Qeybta 3aad

Hal cabbaar ah markii qolaba qolo dhowrtay, ayaa waxa ciidankii Masaarida gadaashoodii ka soo muuqday dhowr saf oo isdabajooga, oo safkiiba ka kooban yahay qiyaastii boqol nin. Nin walibana u sido deg ood ah; oo qun yar qun yar xagga hore ugu soo suunsuumaya. Ujeeddada xeeladdaasi waxay ahayd in ay dhulka dhoobada ah ee laagta iyo labadeeda daan, ku goglaan oodda si ay gaadhifarasyadoodu u dulmari karaan.

Reer Reebu markay arrintii u caddaatay ayey sutida u qabteen oo isku dayeen in ay dib u laabaan; nasiibdarrose waxa misoole sida roobka ugu soo dhacay fallaadhii cadawga oo raggii baaba durba, dhimasho iyo dhaawacba la daatay — mid madaxa leeb iskaga taago, mid u wadnaha badhtankiisa ka kudo, iyo mid u beerka ku dhuftaba — illayn daad lama hor joogsan karo. Wax dib u celiya nimankii oodaha siday ayaa la waayay. Markay inta ay sidaan daadiyaanba in kale ayey u noqdaan; amba dar cusub ayaaba soo waydaarata. Sidaasaanay shaaddu isdabajoog ugu socotay oo aanay marnaba isku taagin, inkasta oo ay mar mar dhacaysay in qaarkood fallaadhaha qoladaani ku dhacdo oo deeto iyaga iyo ooduba isla gaddoomaan.

Si kasta ha u dhacdee, marinkii oodda ahaa tartiib ayuu iskaga ballaadhay. Nimankii reer Reebuna waxa halkaa uga caddaatay in muddo aan fogayn meeshu jid adag noqon doonto oo xataa gaadhifarasyada cadowga kuwa ugu culculus soo mari karaan. Waxa u caddaatay in aan hadda safkooda hore laagtii dhufays u ahayn; oo uu loollanku noqon doono mid ciidanka ka badan oo ka laxaad weyn ay gacmaha iskula tagi doonaan.

Malaysiga sidaasi marbay, kol ay ku tahay raggii ugu geesisanaa, galisay uurkooda geeri ka baq.

Boqorkii reer Reebu isaga waxay la noqotay in uu beddelo tabtii uu ku dagaallamayey. Ugu horrayn wuxuu gartay in aan qaansolaydiisa safka hore ka dagaallamaysaa beerka u dhigi karayn gaadhifarasyada cadowga. Deeto wuxuu beddelay siday safafku u kala yaalleen; waxaana xagga hore soo mariyey warmoolaydii oo uu ku beegay marinkii oodda ahaa.

Hadda gaadhifarasyadii cadowga ayaa durba weerar la soo kicitimay. Guluf aad yaabto iyo fadallo dhulka ka gariirinaya ayey la soo kaceen; iyaga oo colkii lug-ku-socotada ahaa ay jidka u banaynayaan oo labada gees uga kala leexanayaan. Waxay soo halgamaanba, waxa madaxoodii foodda soo saaray laagta qarkeedii iyaga oo ku dhaarsan in, wax kasta ha ku tagee, ay jabiyaan gaashaanka reer Reebu.

Su’aasha u weyn waxay ahayd, talaw miyey ku guulaysan? Haddii aan dib loo laabin oo aan gaashaanka loo dhigin, waxaan shaki ku jirin in ay jid ballaadhan ka dhex baxsan doonaan ciidanka reer Reebu, oo deeto intay bidix iyo midig u kala gooyaan inba gees u baabi’in.

Reer Reebu iyaga waxa hor taallay su’aasha ah; sidee baa ugu habboon ee weerarkaa soo darban looga hortagaa? Boqorkii wuxu dabirey xeelad la yaab leh; waxanu amar ku siiyey qaansalaydii in aanay fallaadha la beegsan ragga ee ay toogtaan fardaha jiidaya gaadhiyada; ridaddana bilaabaan kolka ay quwadda gaadhifarasyadu istaxdo marinka oodda ah. Taa wuxuu uga dan lahaa marka fardaha dhaawacan ee farkanaxsani, badhna jidka isdaadiyo, badhdna kolba gees u boodo, in qas gali doono socodkooda; deeto weerarkii gaadhifarasyadu halkaa ku joogsan doono; islamarkaana ciidankaa warmoolayda ah ee ka gaadhifarasyada daba socda uu isna sidaasoo kale ku hakan doono. Sidaasi marka ay dhacdana laba faa’iido u yeelan doonto ciidankiisa: Waa mide qaska iyo nidaam xumada gaadhifarasyada cadowga waxay u noqonaysaa ciidankiisa dhufays. Ta labaad waxay siinaysaa waqti, haddiiba weerarku ku kululaado u ciidankiisu si isku duubnaan ah ay dib ugu kacaan.

Markii xilligay sugayeen ay gaadhay ayaa boqorkii amarkii ku dhawaaqay: qaansolaysdii baa markaa fallaadho oodda kaga qaaday fardihii cadowga ee ku soo beegnaa. Fardihii baa mid kobtiiba ku dhaca oo halkii naftu kaga baxdo, mid xanuun kolba gees isaga oo dhaawacan isku dhufta, iyo mid orod uun isqaada oo gaadhigii u jiidayey iyo ninkii u sidayba qaliba – adugu yaanan hadal kugu daaline – meeshii baa qas iyo buuq xaalkeedii noqday.

Cabbaar ayaa xaalkii sidii ahaa, oo jidkii oodda ahaa noqday rag, fardo iyo gaadhifarasyo isku xoonsan oo dhan ay u socdaan iyo dhan ay ka socdaan aan la kala garanayn; iyaga oo ilaa intaa dhibic fallaadha ihi kor ka hayo, oo maydka iyo dhaawucuba tirabeelay. Markan hadda ah waxaba u ekaatay in xarfaddii boqorku si fiican u guulaysatay.

Ha ahaatee, abaanduulihii qolada Masar oo ahaaba boqorkii weynaa ee Totmes naf ahaantiisa ayaa wuxu arkay halista meesha ugu jirta ciidankiisa. Markiiba wuxuu amray in qaansalaydiisu hore ugu kacaan laagta qarkeeda oo ay qaansalayda reer Reebu dib u laabaan. Sidaasi markay fushay, ayaa ciidankii Masaarida oo haatan fallaadhihii Reebu laga dhiciyey ay fursad u heleen in ay maydka iyo dhaawaca, fardo iyo ragba leh, ka guraan jidka; oo ay dabadeed nidaamiyaan socodkooda.

Totmes, islamarkaa, wuxuu diyaariyey laba kun oo nin oo kuwii ugu diracsanaa, uguna xoog badnaa ciidankiisa lug-ku-socotada, ka mid ah. Waxanu amar ku siiyey in ay iyaga oo garabka isku haya ay saf ballaadhan ku jiidhaan laagta. Sidaasay deeto iyaga oo boqorkoodiina safka hore ugu jiro ay gurxan iyo buuq ku dhaqaaqeen, ilaa ay laagta qarkeedii istubeen – deeto kol kali ah ayey soo wada boodeen oo weerar soo qaadeen. Gaadhifarasyadii iyo warmoolaydiina, iyaga oo gabbaad ka dhiganaya roobka fallaadhaha ah ee qaansalaydu daadinayaan, ayey ka gudbeen laagtii. Inkasta oo ay adkayd quwaddaa isku-duuban ee soo talowday sida la isku hortaagaa, haddana geesiyaashii reer Reebu oo durba gaashaadhigoodii dhowr meelood laga dalooliyey, si ba’an ayay u dirireen oo halkaa dagaal qadhaadh ayaa ka dhacay.

Boqorkii baa kolba gees dayey. Waxa u caddaatay in dagaalka qaybtiisii maalintaasi lagu jabiyey; rajada kali ah ee u muuqataana waxay noqotay in uu isku ururiyo kooxaha ciidankii ka hadhay ee weli isku duuban, oo si quman dib ugu celiyo magaaladii. Halkaasoo jilib-dhiggii kamadambaysta ahaa uu gaashaanka ugu dhigi doono cadowga. Amarkii dib-u-kaca ahaa markuu ku dhawaaqayba leeb lalaya yaaba isha iska taagay, oo isla markiiba halkii buu ku dhintay.

aragtidaada nala wadaag...