Qeybta 4aad

Tolow, maalintaa qadhaadh ee reer Reebu la kulmeen, muxuu yarkii ina boqor ee Amuba ku sugnaa? Amuba wuxuu ahaa wiil wiil dhalay oo geesi ah. Waxanu maalintaa u dagaallamay sidii nin rag ah. Herdidii ugu weynayd ee gaadhifaraslayda cadowgu soo qaadday markay dhacdayna wuxu ku amray, Jetro oo ahaa ninkii gaadhifaraska u waday, in uu u dhaweeyo aabbihii agtiisa. Wuxu arkay safkii askartooda oo cadawgii sidii moos biyo jiidheen dhan walba ka jabiyey. Waxana halkaa uga caddaatay in dagaalkii qaybtii maalintaa lagaga guuleystay. Aqoonsigaa qadhaadh waxase kaga sii darraa markuu sheed ka arkay, xoonkii iyo buuqii dhexdooda, aabbihii oo faraskii ka dhacay.

Degdeg, intuu deeto uga booday gaadhifaraskiisii ayuu dhex jiidhay buuqii ilaa halkii uu ku dhacay aabbihii. Jetro oo xusuusnaa sidii Amuba loogu ballamiyey, ayaa ka daba cararay.

Hasa yeeshee, meyd iyo dhaawac iyo in dagaal gowda isku haysaba ha noqotee, meel alla meel ay ka maraan ayey waayeen; waxanay ku khasabtay in ay soo noqdaan.

“Garan maayo,” ayuu yidhi Jetro, “Waxa aabbahaa ku dhacay. Waxase hubaal ah in goobtu joogay dagaal qadhaadhi ka dhacay; sheedana aan ka arkayey isaga oo faraskii ka dhacayey. Waxanan u malaynayaa in uu dhintay.”

“Bal hadda wax yar aan sugno. Waxa soo socda kooxo ka mid ah gaadhifarasyadeenii,” ayuu yidhi, Amuba, “Waxa habboon in innaga oo nidaamsan magaaladii dib ugu kacno, si aan cadawgu dhan inooga marin oo inteenna hadhay u kala baabi’in.”

Ciidankii intii hadhay oo koox koox u socota ayaa dib u soo kacday oo soo hareero joogsatay Amuba. Kooxaha mid ka mid ah waxa hor socday abbaanduulihii ciidankii reer Reebu, markuu arkay Amuba oo nool ayuu intuu gaadhifaraskii u ku taagnaa ka soo booday yidhi, “Sareeye, aad bay ii farax gelisay in aan ku arko adoo nool. Waxanan kaa baryayaa inaad ciidanka si nidaamsan dib ugu qaadid inta aanu cadowgu weerar soo cusboonaysiin.”

Ciidankii reer Reebu oo si habsan u socda ayaa dabadeed magaaladii gaadhay. Intii ay gurigii reer Boqor ku socdeen waxay la kulmeen ciidanka intii in ay magaalada sii ilaaliyaan looga tegey oo iyaga oo aamusan dayrkii magaalada meelihii dhufaysyada ahaa kooxiba meel u baxayso. Amusis oo ahaa abbaanduulihii ciidanka oo Amuba la fuushanaa gaadhifaraska ayaa uga warramay sidii aabbihii u dhintay. Markuu gurigii weynaa galayna waxa markiiba ka hor timid oohintii iyo baroortii uu filayey.

Waxanu ku yidhi Amusis, “Waxan bal u tagayaa hooyaday, oo aan uurxumaanta ka yara khafiifinayaa. Waxan kuu raaci doonaa dhufayska dayrka. Waxanad ogaataa waayo-aragnimadaada iyo geesinimadaada in maanta dadkeennu u magan yahay.”

“Waxba iska hagran maayo, sareeye,” ayuu Amusis ugu jawaabay, “Dayrkuna aad buu u dheer yahay, una adag yahay; waxanan rajaynayaa, in haddii colkeenna soo jabay ee iska soo daba shubmaya ay gudaha soo wada galaan, in aynnu cadowga iska dhicin doonno.”

Intaa markii uu yidhi abbaanduulihii ayuu u kacay xaggii dayrka, Amubana galay gurigii boqortooyada. Qol weyn oo guriga ka mid ahaa ayaa waxa yaallay maydkii boqorka oo la dul dhigay sariir weyn, Boqoradiina way ag fadhiday iyada oo hoos ahaan u ooyeysa. Amuba markuu qolkii soo galay ayuu intuu aayar soo socday ag fadhiistay hooyadii.

Markay sidaa u jaleecatay ee ay aragtay in uu isaga yahay ayey dug ku tidhi oo isku martay.

“Hooyo!” ayuu u noqday codkii u horreeyey ee ka soo baxay, “Waa Ilaahay mahaddiis hadduu ii kaa soo celiyey! Maxaase… Maxaase inna gaadhay? Xaggee Ilaahay masiibada inooga soo diray!”

“Waa runtaa Hooyo!” ayuu hadal ugu celiyey, “Waa masiibo weyn! U malayn maayo in aabbo aabbahay ka wanaagsani ifka ku noolaa! Laakiin! Hooyo! Hooyo! Waxan kaa baryayaa in aad murugada iyo tiiraanyada waxoogaa isku yar xajiso. Waqti badan baynnu baroorta u heli doonaa. Haddase waxa inna hortaalla in aynnu xooggeenna muruq iyo maanba, isku gaynno. Dhowr saacadood ka dib waxa duleedkeenna iman doona oo weerar innagu soo qaadi doona ciidankii cadowga. Magaaladiina waxa ka jooga qas iyo niyad jab dadkii ku dhacday; markaa anigu waa in aan ku noqdaa oo aan ciidanka iyo dad weynaha niyadda u hagaajiyaa. Adna waxay ila tahay in aad wax weyn tari karto haddaad niyadda adkayso. Aabbahay luxud ka qabamaayo haddaanad maanta ka soo bixin kaalintaada.”

“Maxaa hooyo tari karaa? Maxaanad iga doonaysaa inaan sameeyo?” ayey hooyadii su’aashay.

“Fuul,” buu yidhi Amuba, “gaadhifaras oo ku soo wareeg magaalada; una sheeg dumarka in hadda la iska ilaawo baroorta loo barooranayo raggii dagaalka ku dhintay. Waa in qof walboo dumar ahiba kaalinteeda ka qaadataa difaaca magaalada. Kuwo dhagaxaan derbiga la fuula, kuwo cuntada u keena askarta dagaalamaysa, kuwo dhaawaca iyo maydka gura … Hawli ma yara hooyo, ee kac oo haweenka baraaruji oo horkac intaan anna ragga horkacayo.”

“Afkaaga caano lagu lis, hooyo!” ayey ugu jawaabtay hooyadii, “Waa wax caqliga gala, sidaad igu amartay baanan yeelayaa. Ii soo dir gaadhifaras intaad sii socoto, oo bal adna wax cun, hooyo.”

Halkii buu Amuba waxoogaa cunta ah oo qol kale tiilay afka ku dhuftay. Deeto wuxuu u cararay xaggii dayrka.

Markuu u baxay dayrka dushiisii ayaa wuxuu sheedda ka arkay gaadhifarasyadii Masaarida oo badidoodii xagga magaalada u soo jeedaan. Ciidanka quwadiisiise aanay weli soo dhicin, sababta oo ah kooxo ciidankoodii ka mid ah ayaa weli dagaalamayey iyaga oo isla mar ahaantaa qun yar dib ugu soo siqaya xagga magaalada. Markay qorraxdii dhacday ee dhulkii madoobaaday ayey kooxihiina wixii nolol ku hadhay magaaladii soo galeen. Amusis baa dabadeed amar ku bixiyey in raggii dagaalka ka soo noqday ay nastaan; raggii magaalada sii joogayna ay darbiga fuulaan oo ilaalo qabtaan.

Hadday subaxnimadii dambe cadceeddii soo boodday dumarkii baa iyagu hawshii ay maalintii hore bilaabeen halkii ka waday. Safaf dhaadheer iyaga oo isdaba socda ayey masaf waaweyn intay dhagax ka soo buuxiyeen, madaxa ku soo qaadeen; deeto derbiga dushiisa ku tuulee xataa carruurtii baa hawshaa ka qayb gashay; iyaga oo danbiilo dhooba soo guraya si loogu dhiso derbigu meelaha uu ka gaaban yahay.

aragtidaada nala wadaag...