Qeybta 7aad

Waagii markuu dilaacay ayaa kooxo dumar ihi isa soo ururradeen oo ka soo dhaqaaqeen badhtamihii magaalada, waxanay u soo kaceen halkii ciidanka Masaaridu joogay. Markay in yar u soo jiraayn askartii ugu soo sokaysay ayey dhulka isku daadiyeen una qayliyeen ciidanka guulaystay in uu intooda nool u naxariisto. Dabadeed qaar saraakiishii ciidanka Masaarida ka mid ayaa kaxeeyey dumarkii oo u geeyey boqorkoodii.

Totmes, boqorkii Masaaridu, haatan aad ayuu dhoolaha uga qoslayey. Ilayn waa nin guulaystay, oo laba daraad leh qabsaday magaalo ay abbaanduulayaashiisu u haysteen meel aan la qabsan karayn. Magaaladii hadda waxay ku soo korodhay oo ay sii ballaadhisay weynaantiisii iyo weynaantii Masar oo dhan. Sidaa awgeed qalbigiisu aad ayuu maalintaa u furraa una raxmad badnaa, diyaarna ugu ahaa koox dumar iyo carruur ah in uu u naxariisto.

“Raggii oo dhami hubkii ma dhigeen?” ayuu su’aalay dumarkii. Waxay ugu jawaabeen in aan nin keli ah oo hub sitaa ku jirin magaalada dhan. Hub oo dhanna, nooc kasta ha ahaatee lagu soo ururiyey habeenimadii, barxadda weyn ee ku taal magaalada badhtankeeda.

“Sidaa hadday tahay, waan wada nabad galinayaa,” ayuu yidhi boqorkii. “Markaan rag liita oo fulay ah la dagaalamo, naxariisi agtayda ma taallo, maxaa yeelay, nin hadduu marba fulay yahay uma qalmo nolosha. Markaan rag rag ah la dagaalamose waxan ula macaamilaa sidii rag sharaf leh. Ragga reer Reebuna waa rag geesiyaal ah si baasna waxay u difaaceen magaaladooda sidaa darteedna giddigiin waa la idin wada nabad gelinayaa— rag, dumar iyo carruurba, oo waxaan idin waydiiyey boqorkii aaway?”

“Wuxuu ku dhintay dagaalkii maalin afraaddii,” ayey ugu jawaabeen dumarkii.

“Oo boqoraddiina?” ayuu haddana waydiiyey.

“Xalay bay sun cabtay, oo waxay tidhi geeri aan ninkaygii ka daba tago ayaa iiga roon in aan guuldarrada inna haysata nolol ku gaadho.”

Totmes wuxuu markan iyo haatan amar ku bixiyey in dadkii la qabsaday oo dhan loo saaro bannaan weynaha xagga galbeed magaalada ka xiga oo halkaa lagu ilaaliyo. Dabadeed rag buu ku fayliyey guryihii iyo bakhaaradii kaydka ee reer Boqor si ay uga soo guraan wax allaale wixii qiimo leh. Markii wixii oo dhan hortiisa lagu soo tuulay, ayuu alaab dahab ka samaysan oo ay ka mid yihiin warmo, waysooyin, barkin iyo wixi la mid ah gees u dhigay si u hadyad ugu geeyo xarunta ilaahyada. Badh kale oo alaabtii ka mid ahna isaga ayaa iskugu talogalay; waxna saraakiishii ciidanka ayuu ku maamuusay; intii kalena wuxuu yidhi askarta ha loo qaybiyo.

Dabadeed wuxuu amray in konton wiil oo dhalin yaro ah iyo konton gabdhood oo giddi dad dhalad ah, laga soo sooco dadkii reer Reebu ee la qabsaday, deeto la soo daba kaxeeyo xaashiyadiisa si ay isaga addoon gaar ah ugu noqdaan. Waxa kale uu sheegay in reer Reebu qadar lacag ah oo cashuur ah bixin doonaan sanad walba. Intaa hadduu bogtay wuxuu ciidankii ku amray in ay magaalada ka baxaan wax yar maahee, dadkuna guryahoodii iskaga noqdaan.

Amuba wuxuu ka mid noqday kontonkii dhalinta ahaa ee boqorku u doortay addoonta gaarka ah. Amusis, abbaanduulihii ciidanka reer Reebu, isagu markuu habeenimadii arkay in aan rajo danbe hadhin ayuu fakaday oo lafihiisa u baxsaday. Jetro isna wuxu ka mid noqday addoontaa la xulay. Amuba, in cabbaar ah, isaga geerida iyo noloshu iskugu mid ayey ahaayeen. Warkii ahaa in hooyadii dhimatay wuxuu ku abuuray anfariir. Halkaasaanu ku waayey wax allaale wuxuu jeclaa; aabbihii, hooyadii, dalkiisii, mansabkiisii ina-boqornimo… Waxaas oo dhami ha jiraan wuxuse ku yara dursaday markuu arkay Jetro oo isna ka mid ah addoontan la soo xulay, oo ay isku xaal yihiin; waxanu ku yidhi, “Waxay iila eg tahay gaf Jetro in aan sina ugu farxo in aad adna tahay adoon; waxaase aan aad ugu beer diiranahay, wax kasta aan waayee, in aan meel adiga kaa ag dhow joogo. Waxa ii suurtoobi doonta in aanan cidloon oo aan kaala sheekaysto hooyaday, aabbahay iyo dhulkeenii.”

“Uurkutaallo sidaas ihi igama hayso in la igu daray addoonta la soo soocay,” ayuu ugu celiyey Jetro, “Sababta oo ah anigu oori iyo ubad midna ma lihi. Mar haddii dalkeenii iyo dadkeeniiba la qabsadayna sinaba naf xalaal ah uguma noolaadeen halkan. Waxana laga yaabaa, walow aynnu addoon nahay, in aan noloshu sidaa ahaan innoogu qadhaadhaan. Imikana bal aynnu uurxumaanta isku ilowsiino oo aynnu saaxiibadeen u kaalmayno, urugadana ka bi’ino, wixii kartadeena ah.”

Dabadeed, Jetro iyo Amuba waxay dhexgaleen maxaabiistii kale. Kuwii oo qaar ooyayaan, qaar tiiraanyo iyo coloolyow la qammuyeysan yihiin. Markiise ay dhegaysteen dhiirigalintii Amuba waxa gashay yididiilo iyo diiranaan. Wuxuu ku guubaabiyey oo yidhi, “Haddii cadowgu arko inaga oo si geesinimo ah dhibteena u xamilayna, waxay inoola dhaqmi doonaan si fiican. Markaa waa inaad guntiga isku giijisaan. Waxanad xusuusnaataan in jidka aan mari doonno ilaa inta an gaadhaynno dhulka la innagu wado uu aad u dheer yahay una dhib badan yahay; kartideena oo dhanna aynnu iskugu gaynno sidaynnu dhibta u mari kari lahayn. Kollayba siday dumarkaa jilicdasani ugu dhib mudan doonaan innagu noqon mayno. Innagu waxaynu ku barbaarnay dhibta iyo adkaysiga, iyaguse weli socoto dheer iyo shiddo may arag. sidaa ahaan waxa allaale wixii aynnu gacan siin karno way u baahan yihiin; xag gubaabin iyo dhiirigalin, iyo xag dhaqaalayn labadaba.”

Ereyadaa qumman ee Amuba kula hadlay saaxiibadii waxay galisay dabayl nololeed. Dhalinyaranimadiisii ayaa waxay u noqotay iftiin ay soo eegtaan; umanay qaadan addoon ka mid ahee waxay maqaamkiis ka dhigeen in uu boqorkoodii yahay. Xasiloonaantiisii iyo hadalkiisii deggenaana waxay laabtooda galisay yididiilo iyo waawaan. Waxanay markaa iyaga oo niyaddoodu sidii hore yar dhaanto, bilaabeen socdaalkii dheeraa; hareerahana waxa ka ilaalinayey askar badan.

Halkii buu ciidanwaynihii sii tukubay ilaa Masar oo kolba meel sahayda ka kordhistay. Intii hore oo dhan socdaalku wuu iska wanaagsanaa, sababta oo ah dhulka ay marayeen baa ahaa dhul barwaaqo ah oo beero iyo kaymo hadh weyn leh. Markayse soo gaadheen dhulka lamadegaanka ah ee u dhexeeya koonfurta dalka hadda loo yaqaano Suuriya ilaa woqooyiga bari ee Masar ayaa dhibaatadoodii bilaabantay. Ciidanka intiisa kale waxay siteen sibraarro waaweyn oo biyo ah. Biyahaase wax yar ayaa ka soo gaadhayey maxaabiista. Qorax aad naartii mooddo oo kor ka haysay iyo siigo jay dhinbilo ah saydhaysa iyo harraad wadnago’ ah oo iskugu biiray ayey ku mudteen dhib cadaabkii oo ifka loogu soo saaray ah. Waxasay naftoodii qabowday ka dib markii seddex bilood oo dam ah ay socotadaa saancadka qabta ku jireen, markay ku soo baxeen bustaanadii iyo beerihii agagaarka wabiga Niil, iyo dhulkii noqon lahaa hooygooda inta noloshooda ka hadhay.

Markay soo galeen Masar ayaa habkii ay u socdeen la beddelay. Safafkii maxaabiista ayaa waxa la daba mariyey oo lagu xijisiiyey gaadhifaraskii uu boqorku fuushanaa. Amuba oo isagu ku jiray safka ugu horreeya ee maxaabiista waxa fajac iyo yaab galiyey weynaanta iyo quruxda daaraha magaalooyinka ka dhisnaa, iyo astaanta raaxada iyo qaninimada ee meel kasta wadhnayd. Magaaladii u horreysay ee ay galeen wuxuu dadkii isasoo tubay jidadka; dadkaasoo marka uu boqorku hor marayo sujuud dhulka isku daadinayey. Show warkii ahaa in uu dagaalkii kusoo guulaystay ayaa horeba dalka u soo gaadhay. Markan iyada oo taasina farxad gooni ah sii galisay dadka, ayey riyaaqid kusoo dhawaynayeen. Il yaabitiin ah ayeyse ku dhugteen maxaabiistii reer Reebu ee u watay; sababta oo ah waxay arkeen rag iyo dumar dhul fog laga keenay, dhulkaasoo boqorkoodu soo qabsaday, dadkana addoon ahaan uga keenay.

Uuggaankii boqorka, maxaabiista iyo ciidanka ee iswada daba joogay waxay socdaanba, aroor ayuun baa qaylo baadhaadho-qaylis ihi dayaantay. Amuba oo intii ay Masar soo galeen dhowr eray oo af Masri ah bartay ayaa askari askartii barbar socotay ka mid ah weydiiyey sababta qayladaasi u dhacayso.

“Waxaynu soo gaadhnay,” buu ugu jawaabay askarigii, “Tebis oo ah magaala madaxda Masar. Halkaasaanu ku dhamaan doonaa socdaalkii dheeraa ee dhibta badnaa ee aynnu soo marnay.”

Markay magaalaweyntii mudh ku soo yidhaadeen baa dadkii isasoo shubay sida daadka si ay u soo dhoweeyaan boqorka iyo ciidanka guusha sida. Durba danankii muusikada iyo sacabka soo dhoweynta ah ayaa ifka wada gaadhay. Safaf dheer ee wadaaddadii kaniisadda ah ayaa iyaga oo talaabo gaaban oo qiyaasan ku socda, u kacay xaggii kaniisadaha si ay ugu soo mahad naqaan ilaahyadooda, soo nabad-noqoshada boqorka iyo guulaha badan ee uu soo hooyey.

aragtidaada nala wadaag...