Category Archives: Afartanka Xadiis

Xadiiska 12aad

HA FARA GELIN WAX AADAN KU SHAQA LAHAYN

[arabic-font]عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ “مِنْ حُسْنِ إسْلَامِ الْمَرْءِ تَرْكُهُ مَا لَا يَعْنِيهِ”.[/arabic-font]
[arabic-font]حَدِيثٌ حَسَنٌ، رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم: ٢٣١٨] ، ابن ماجه [رقم:٣٩٧٦].[/arabic-font]

Waxaa laga weriyay Abuu Hureeyra (Allaha ka raalli noqdee) inuu yiri Rasuulkii llaahay ﷺ wuxuu yiri:
“Qofka Islaam wanaaggiisa waxaa ka mid ah inaanu faraha lagelin arrimo aanu shaqa ku laheyn.”
Waa xadiis Xasan ah. Waxaa weriyay Tirmidi iyo kuwa kale.

Sharaxa
Xadiiskani waa edbinta nafta iyo la xisaabtankeeda, sababtoo ah waxaa dhab ah in dadku u badan yahay inay waqtigooda qaaliga ah badankiisa ku tabiyaan wax aaney waxba ugu jirin, marka waa in qofku miisaamo falkiisa iyo hadalkiisa waa inuu ogaado sidey arrimuhu xiriir ula leeyihiin noloshiisa, kaddib wixii wax u taraya adduunkiisa ama aakhiradiisa uu ku dhaqaaqo, wixii aan waxba faa’ido u laheynna waa inuu ka gaabsado, waa in aanu faraha la gelin arrimaha dadka kale khuseeya ee u gaarka ah.

FAA’IDADA XADIISKA
1. In qofku ilaaliyo ficilkiisa iyo hadalkiisa kuna abbaaro meel ku habboon;
2. Inaan faraha lala gel in arrimo aaney waxba kaa gelin;
3. Inuu qofku u jeediyo awooddiisa wax isaga anfacaya ama dadka kale wax u taraya.

Xadiiska 11aad

DHOWR-SOONAANTA

[arabic-font]عَنْ أَبِي مُحَمَّدٍ الْحَسَنِ بْنِ عَلِيِّ بْنِ أَبِي طَالِبٍ سِبْطِ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ وَرَيْحَانَتِهِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، قَالَ: حَفِظْت مِنْ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ “دَعْ مَا يُرِيبُك إلَى مَا لَا يُرِيبُك”. [/arabic-font]
[arabic-font]رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم:٢٥٢٠]،[/arabic-font]
[arabic-font][وَالنَّسَائِيّ][/arabic-font]
[arabic-font]وَقَالَ التِّرْمِذِيُّ: حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ.[/arabic-font]

 

 

Waxaa laga weriyay Abuu—Muxammad Al—Xasan ibn Cali ibn Abii—Daalib — Allaha ka raalli noqdee — inuu yiri:
Waxaan ka xafiday Rasuulkii llaahay ﷺ:
Dhaaf wixii shaki ku geliya oo aad wax cad ee aan shaki ku jirin.”
Waxaa weriyay Tirmadi iyo Nasa’i, wuxuuna yiri Tirmidi waa xadiis Xasan oo saxiix ah.

Sharaxa
Xadiiskani waa saldhig adag oo qofka muslimka ah cuskan karo markay ka hor yimaadaan arrimo murugsan ama shubho ku jirto oon xalaal iyo xaaraan midna lagu caddeyn ama carnal lagu muransan yahay inuu sharciga waafaqsan yahay iyo in kale. Haddaba, marka arrintaasi kula soo gudboonaado wuxuu ku farayaa xadiiskan inaad iska dhaaftid wixii shaki kaa galo kuna dhaqantid waxa aad hubto inuu xaq yahay.

FAA’IDADA XADIISKA
1. In qofku ku dhiso camalka uu llaahay ugu dhawaanayo wax uu hubo;
2. Inaanan qofku isku haleyn wax shaki ku jiro;
3. Ka dheeraanshaha shubhada iyo shakiga;

Xadiiska 10aad

WAX LA WADA FARAY NEBIYADA IYO MUSLIMIINTA

 

[arabic-font]عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ “إنَّ اللَّهَ طَيِّبٌ لَا يَقْبَلُ إلَّا طَيِّبًا، وَإِنَّ اللَّهَ أَمَرَ الْمُؤْمِنِينَ بِمَا أَمَرَ بِهِ الْمُرْسَلِينَ فَقَالَ تَعَالَى: “يَا أَيُّهَا الرُّسُلُ كُلُوا مِنْ الطَّيِّبَاتِ وَاعْمَلُوا صَالِحًا”، وَقَالَ تَعَالَى: “يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُلُوا مِنْ طَيِّبَاتِ مَا رَزَقْنَاكُمْ” ثُمَّ ذَكَرَ الرَّجُلَ يُطِيلُ السَّفَرَ أَشْعَثَ أَغْبَرَ يَمُدُّ يَدَيْهِ إلَى السَّمَاءِ: يَا رَبِّ! يَا رَبِّ! وَمَطْعَمُهُ حَرَامٌ، وَمَشْرَبُهُ حَرَامٌ، وَمَلْبَسُهُ حَرَامٌ، وَغُذِّيَ بِالْحَرَامِ، فَأَنَّى يُسْتَجَابُ لَهُ؟”. [/arabic-font]

[arabic-font][رَوَاهُ مُسْلِمٌ][/arabic-font]

 

 

Waxaa laga weriyay Abuu Hureyra (Allaha ha ka raalli noqdee), inuu yiri: Rasuulkii Alla ﷺ wuxuu yiri:
llaahay waa wanaagsan yahay mana aqbalo wax aan wanaagsaneyn, lllaahayna wuxuu faray mu’miniinta, wixii uu faray Rususha sida uu ku sheegay aayadda dheheysa:“ Rusuleey cuna raashinka kiisa bannaan ee fiicari, carnal fiicanna fala”, iyo aayadda dheheysa: “Mu’miniineey cuna waxa fiican ee aan idinku arsaaqnay.” Markaasuu xusay nin meel dheer u socdaalay oo timihii basaaseen, kubabka boor ku leh, oo gacmaha kor u taagaya, isagoo llaahay baryaaya oo leh: Rabbigeeyow, Rabbigeeyow, isla markaana cuntadiisa xaaraan tahay, cabiddiisu xaaraan tahay, dharkiisu xaaraan yahay, xaaraan la soo qoodiyay — sidee looga aqbalayaa ducadiisa?
Waxaa weriyay Muslim.

Sharaxa
Xadiiskani wuxuu ka mid yahay xadiisyada qiimaha weyn ku leh fiqiga Islaamka, wuxuu na tusayaa in qofkii wax wanaagsan aan sadaqeysan laga aqbaleynin, ha noqdo xoolo, cunto, dhar iwm. Waxa aanu isaga naftiisa u qaadaneynin yaanu sadaqa ula bixin.
Aayad Qur’aan ah waxay sheegtay: “Inaan qofku wanaag helaynin ilaa uu bixiyo waxa uu naftiisa u jecel yahay. Xagga falka carnal aan wanagsaneyn llaahay ma aqbalayo sida camalka looga jeedo ha lagaa sheego ama ha lagugu ammaano ama aad xoolo ku heshid ama carnal shirki ku dheehan yahay ama aan sharcigaba ku dhisneyn.
Xadiiskani wuxuu sheegay Rususha iyo Mu’miniinta ay u gudboon yihiin xalaal miiradnimada. Waxaana la faray labadoodaba inay wax wanaagsan cunaan. Carnal wanaagsan falaan, cuntada wanaagsan waa midda xalaasha ah camalka wanaagsan waa midka ka fayoowshirkiga ee waafagsan sharciga. Waxa kale ee xadiiskan inoo sheegayaa in ku dhaqanka waxyaalaha xaaaraanta ah ay qofka ka fogeyneyso naxariista Alla, maxaa yeelay qofkii socotada ahaa ee safarku tabaaleeyay wuxuu mudan yahay naxariis, haddiise uu yahay xaaraan—quute xaq uma laha in la aqbalo ducadiisa ilaa uu ka toobad keeno uu llaahay u noqdo.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Inaan llaahay aqbaleynin camal—xun,
2. In qofku sadaqaysto wax wanaagsan ee uu jecel yahay,
3. In ku dhaqanka xaaraanta qofka ka fogeynayo llaahay.

Xadiiska 9aad

QOFKA LAGUMA WAAJIBIYO WAX KA SARREEYA AWOODDIISA

 

[arabic-font]عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَبْدِ الرَّحْمَنِ بْنِ صَخْرٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: “مَا نَهَيْتُكُمْ عَنْهُ فَاجْتَنِبُوهُ، وَمَا أَمَرْتُكُمْ بِهِ فَأْتُوا مِنْهُ مَا اسْتَطَعْتُمْ، فَإِنَّمَا أَهْلَكَ الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ كَثْرَةُ مَسَائِلِهِمْ وَاخْتِلَافُهُمْ عَلَى أَنْبِيَائِهِمْ “. [/arabic-font]
[arabic-font][رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ][/arabic-font]
[arabic-font]، [وَمُسْلِمٌ][/arabic-font]

 

 

 

Waxaa laga weriyay Abuu—Hureyra CAbd ar- raxmaan ibn Sakhar (Allaha ha ka raali noqdee), inuu yiri: waxaan maqlay Rasuulkii Alla ﷺ oo leh:
Waxaan idinka reebo ka dheeraada, waxaan idin faray la imaada intaad awoodi kartaan, waxa halaagay dadkii idinka ka horreeyey su’aal badnaan iyo khilaafkii Nebiyadooda.”
Waxaa weriyay Bukhaari iyo Muslim.

Sharaxa
Xadiiskani wuxuu ugu yeerayaa Muslimiinta in ay Nebiga raacaan, waxaana saldhig u ah raacidda Nebiga ﷺ ka dheeraanshaha wuxuu reebay, taasbo aan ku xirneyn a wood, maxaa yeelay, iska dhowridda waxyaalaha xaaraanta ah kuma xirna awood ee waa wax qof kastaba ka suuroobi kara, waxaan ka ahayn xaaladaha khatarta ah ee baqtigu bannaanaado.
Laakiin, wixii Nebigu faray iyagu waxay ku xiran yihiin in qofku awoodi karo, sababtoo ah wixii ka baxsan awoodda qofka loo qaban maayo, waxaase waajib ah wixii awooddiisa ah inuu daaacad iyo hagar la’aan u fuliyo.
Waxaa kale ee Nebigu ﷺ nooga warramay in ummadihii hore qaar ka mid ah lagu rogay su’aal badnaan iyo inay khilaafi jireen waxay faraan Nebiyadoodu, su’aasha badan waxaa loola jeedaa su’aalaha looga dan leeyahay xujada iyo cariigsiga ee ma aha in qofku warsado waxyaalaha uu jaahilka ka yahay haddii uu doonayo kaliya aqoon—kororsi iyo ku—dhaqan.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Wixii Nebiga ﷺ reebay in laga dheeraado,
2. Wixii Nebiga faray in la falo inta awooddu ku gaarsiiso,
3. Su’aalaha aan loo baahneyn inaan culimada loo jeedin,
4. Qofka inaan lagu kallifin waxa aanu awoodi karin,
5. Inay waajib tahay raacidda jidka Nebiga.

Xadiiska 8aad

XURMADA MUSLIMKA

 

[arabic-font]عَنْ ابْنِ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ ﷺ قَالَ: “أُمِرْتُ أَنْ أُقَاتِلَ النَّاسَ حَتَّى يَشْهَدُوا أَنْ لَا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ، وَيُقِيمُوا الصَّلَاةَ، وَيُؤْتُوا الزَّكَاةَ؛ فَإِذَا فَعَلُوا ذَلِكَ عَصَمُوا مِنِّي دِمَاءَهُمْ وَأَمْوَالَهُمْ إلَّا بِحَقِّ الْإِسْلَامِ، وَحِسَابُهُمْ عَلَى اللَّهِ تَعَالَى” . [/arabic-font]
[arabic-font][رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ][/arabic-font]
[arabic-font]، [وَمُسْلِمٌ][/arabic-font]

 

 

Waxaa laga weriyay ibnu Cumar (Alla ha ka raalli noqdee), inuu yiri Nebigu ﷺ:

“Waxaa lay amray inaan dadka la jihaado ilaa ay ka qiraan midnimada Alla iyo inuu isaga keliya yahay ilaaha xaqa ah, wixii ka soo haraana ee la caabudo ay yihiin ilaahyo been iyo baadil loogu hoggaansan yahay ee aan xaq aheyn, in laga hortagona ay waajib tahay, waxaa sidoo kale nebiga la amray iyo ciddii rumeysayba inay ku jihaadaan dadka ilaa ay ka qiraan Nebinnimada Rasuulka Ilaahay, salaadda tukadaan, sakadana bixiyaan. Haddii ay sidaa yeelaan waxaa badbaadaya dhiiggooda, iyo maalkooda wixii aan ka aheyn xaqa islaamka, wixii intaa ka dheeraada Ilaahay baa ka xisaabaya.”

Waxaa weriyey Bukhaari iyo Muslim.

 

Sharaxa
Xadiiskani wuxuu inoo sheegey saldhigyada Islaamka uqu waaweyn iyo in qofkii diida lala jihaadayo, dhiiggiisa iyo maalkiisuna inay xalaal u yihiin Imaamka Muslimiinta, ninkii intaa laga helose waa xaaraan in dhiiggiisa la daadiyo iyo in xoolahiisa la dhaco. Xaqa islaamka waxaa looga jeedaa ku dhaqanka xeerka islaamka, sida bixinta xuquuqda lagu yeesho xoolahiisa iyo naftiisa, ka dheeraanshaha dembiyada waaweyn iyo guud ahaan dhowridda sharciga. Qofka sidaa muuqata ugu dhaqma diinta islaamka haddii si hoos ahaan ah uu ku kaco waxyaalaha ku reeban diinta, Ilaahay baa la xisaabtami doona, innagu waxaan kula dhaqmeynaa sida inooga muuqata, haddiise uu muujiyo Islaamnimo hoosna ku qarsado gaalnimo ama manaafaqnimo innagu shaqo kuma lihin, waxa u qarsoon waxaan ula dhaqmeynaa muslimnimo toosan.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. In lala jihaado cadowga Islaamka, ilaa ay ka islaamaan, ama ay cahdi la galaan imaamka muslimka;
2. Ninka ka taga salaadda, ama diida sakada wuxuu la mid yahay gaalada cadawga u ah islaamka;
3. In qofka muslimka dhiiggiisa iyo maalkiisaba ay xaaraan yihiin in lagu xadgudbo;
4. Dhiigga qofka muslimka ah in la daadiyaa waa xaaraan, xoolihiisa in la dhacaana waa xaaraan;
5. Qofka Islaamnimada muujinaaya waa laga aqbalayaa wixii u qarsoon Ilaahay baa loo tala saaranayaa.

Xadiiska 7aad

WAANADA

 

[arabic-font]عَنْ أَبِي رُقَيَّةَ تَمِيمِ بْنِ أَوْسٍ الدَّارِيِّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَنَّ النَّبِيَّ ﷺ قَالَ: “الدِّينُ النَّصِيحَةُ. قُلْنَا: لِمَنْ؟ قَالَ لِلَّهِ، وَلِكِتَابِهِ، وَلِرَسُولِهِ، وَلِأَئِمَّةِ الْمُسْلِمِينَ وَعَامَّتِهِمْ” . [/arabic-font]

[arabic-font][رَوَاهُ مُسْلِمٌ][/arabic-font]

 

 

Waxaa laga weriyay Abuu-Ruqayya Tamiim ibn Aws ad-Daarii (Alla ha ha ka raalli noqdee), in Nebigu yiri ﷺ: “Diintu waa waano.” Waxaannu niri, “Yuu u yahay?” Wuxuu yiri, “Wuxuu u yahay Alla iyo Kitaabkiisa, iyo Rasuulkiisa, iyo madaxda muslimiinta iyo dadweynahaba.”

Waxaa weriyay Muslim.

 

Sharaxa
Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa qiimaha weyn ee waanadu ku leedahay Diinta Islaamka, Diintu waxay waano u tahay Ilaahay waxaa looga jeedaa: in la aqbalo waanadiisa uu dadka ugu yeeray, in la rumeeyo keli ahaantiisa, in lagu sheego wuxuu isagu isku tilmaamay, lagalana haro shirkiga ama wadaajinta cibaadada, xaqa Ilaahayna aan cid kale la siinnin, nicmaduu kuugu deeqay aan cid kale loo tiirin.
Wuxuu diinku waana u yahay Kitaabka Ilaahay: in la rumeeyo inuu yahay kitaab ka soo degay xagga Ilaahay, kaddibna la xurmeeyo laguna camal falo.
Wuxuu diinku waano ugu yahay Nebiga ﷺ in la rumeeyo inuu yahay Rasuulkii Ilaahay u soo diray dadka lana rumeeyo wuxuu sheego oo dhan, lana raaco awaamiirta uu faro, lagana dheeraado wuxuu reebo.
Madaxda Muslimka wuxuu diinku waano ugu yahay waa in xaqa loogu gargaaro wixii gefef ama qallooc ah lagu baraarujiyo amarrada ay soo saaraan oo ay dadka ugu daneynayaan, shareecadana waafaqsan in la fuliyo, inaan loo baarin ceebo, inaan laga faafin dacaayad dadka nacsiisa iyo in lagu gacansiiyo mashaariicda lagu hormarinayo danaha ummadda iyo inaan ammaan been been ah iyo munaafaqnimo lala hoos roorin.
Dadweynaha wuxuu waano ugu yahay in lagu hunuuniyo xaqa, in wax la baro, kuwa qalloocan in looga digo xumaanta, kuwa jaahilka ah wax la baro iyo wixi la mid ah. Marka diinkuba wuxuu ku hirgeli karo waa waano iyo wax isu sheeg.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Wuxuu na tusayaa in waanadu qiimo weyn ku leedahay Diinta Islaamka,
2. Waanada Ilaahay waa in la aqbalo wuxuu ummaddiisa ku waaniyay,
3. Waanada Rasuulka waa in la rumeeyo lana raaco jidka uu inoo jideeyay,
4. Waanada kitaabka waa in lagu camalfalo,
5. Waanada madaxda waa in lagu caawiyo fulinta xaqa,
6. Waanada dadweynaha waa in la hanuuniyaa.

Xadiiska 6aad

KA DHEERAANSHAHA SHUBHADA

 

[arabic-font]عَنْ أَبِي عَبْدِ اللَّهِ النُّعْمَانِ بْنِ بَشِيرٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، قَالَ: سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: “إنَّ الْحَلَالَ بَيِّنٌ، وَإِنَّ الْحَرَامَ بَيِّنٌ، وَبَيْنَهُمَا أُمُورٌ مُشْتَبِهَاتٌ لَا يَعْلَمُهُنَّ كَثِيرٌ مِنْ النَّاسِ، فَمَنْ اتَّقَى الشُّبُهَاتِ فَقْد اسْتَبْرَأَ لِدِينِهِ وَعِرْضِهِ، وَمَنْ وَقَعَ فِي الشُّبُهَاتِ وَقَعَ فِي الْحَرَامِ، كَالرَّاعِي يَرْعَى حَوْلَ الْحِمَى يُوشِكُ أَنْ يَرْتَعَ فِيهِ، أَلَا وَإِنَّ لِكُلِّ مَلِكٍ حِمًى، أَلَا وَإِنَّ حِمَى اللَّهِ مَحَارِمُهُ، أَلَا وَإِنَّ فِي الْجَسَدِ مُضْغَةً إذَا صَلَحَتْ صَلَحَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، وَإذَا فَسَدَتْ فَسَدَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، أَلَا وَهِيَ الْقَلْبُ”. [/arabic-font]
[arabic-font][رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ][/arabic-font]
[arabic-font]، [وَمُسْلِمٌ][/arabic-font]

 

 

 

Waxaa laga weriyay Abuu—Cabdullaah an-Nucmaan ibn Bashiir (Alla ha ka raalli noqdee), inuu yiri waxaan maqlay Rasuulkii Ilaahay ﷺ oo leh:
Xalaashu waa caddahay, xaaraantuna waa caddahay, waxaana jira arrimo murugsan oo aan xalaal iyo xaaraan midna ku caddeyn, dadka badankiisuna ka warqabin, marka ninka ka dhowrsada arrimahaa shakigu ku jiro waxaa u badbaaday diintiisa iyo sharafkiisa, ninkii arrimaha shakiga ku dhacaana waa nin ku dhacay xaaraan oo kale sidii nin xoolo u foofiyay meel seero agteed ah, waxaa looga baqaa in xooluhu seerahaa u dhacaan oo ay daaqaan. Hooyaay! Ogaada in boqor kasta leeyahay seero ama xirmooyin, seeraha Ilaahayna waa waxa uu xaaraantimeeyey. Hooyaay! Ogaada in jirka ay ku jirto waslad hilib ah oo haddii ay hagaagto jirkoo dhan baa hagaagaya, haddii ay xumaato jirkoo dhan baa xumaanaya. Ogaada taasi waa qalbiga.

Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim

Sharaxa
Xadiiskani waa saldhigga cilmiga fiqiga ee lagu qeexay xalaasha iyo xaaraanta, waxaanu xadiisku inoogu qaybiyey waxyaalaha innaga hor imaanaya inaaney ka baxsaneyn saddex xaalo midkood:
1. Wax lagu caddeeyay xaaraannimadiisa.
2. Waxa la caddeeyay xalaalnimadiisa.
3. Waxa laga shakiyay inuu xalaal yahay iyo inuu xaaraan yahay.

Marka labada hore muran kama joogo, waxaase xadiisku tilmaamay wixii laga yeeli lahaa xaaladda seddexaad, wexaanu amray in laga dheeraado shubhada intii lagu dhici lahaa xaaraanta.
Wuxuu ku matalay shubhada nin xoolo u foofiyay beero soohdintood, wuxuu halis u yahay in xooolihiisu beeraha u dhacaan oo ay daaqaan, halkaana waxa ka dhacaya in ninkii beertiisa la daaqay dagaal ku qaado ninka xoolaha la jiray, marka si dagaalka looga nabadgalo waa in xoolaha laga dheereeyo soohdinta beeraha. Haddaba, beerta Ilaahay waa waxa uu xaaraantinnimeeyey, ninkii beertaa u dhacaana waa inuu isu diyaariyo dagaalka Ilaahay.
Waxaa kaloo xadiisku sheegay in qofka gudihiisa laga hoggaamiyo, haddii qofka hoggaaankiisa guduhu toosnaado qofkuna waa toosayaa, haddii hoggaanka guduhu qalloocdo qofkuna waa qalloocanayaa. Haddaba, hoggaanka guduhu muxuu yahay? Hoggaanka guduhu waa Qalbiga. Marka waa inuu qofku ku dadaalo siduu qalbigiisa uga dhigi lahaa mid saafi ah oo toosan.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Kala soocidda xalaasha, xaaraanta iyo shubhada,
2. In shubhada laga dheeraado si looga nabadgalo xaaraanta,
3. In qofku hagaajiyo qalbigiisa kana nadiifiyo xinka, xasadka, calool ku-haynta iyo wixi la mid ah.

Xadiiska 5aad

BIDCADA

 

[arabic-font]عَنْ أُمِّ الْمُؤْمِنِينَ أُمِّ عَبْدِ اللَّهِ عَائِشَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا، قَالَتْ: قَالَ: رَسُولُ اللَّهِ ﷺ “مَنْ أَحْدَثَ فِي أَمْرِنَا هَذَا مَا لَيْسَ مِنْهُ فَهُوَ رَدٌّ[/arabic-font]
[arabic-font][رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ][/arabic-font]
[arabic-font]، [وَمُسْلِمٌ][/arabic-font]

[arabic-font] وَفِي رِوَايَةٍ لمسلم: من عَمِلَ عَمَلًا لَيْسَ عَلَيْهِ أَمْرُنَا فَهُوَ رَدٌّ[/arabic-font]

 

 

 

Waxaa laga weriyay hooyadii Mu’miniinta Umm Cabdullaah Caa’isha (Alla ha ka raalli noqdee) inay tiri: wuxuu yiri Rasuulkii Alla ﷺ:
“Qofkii amarkayagan ku soo dara waxa aan ka mid ahayn isagaa lagu celinayaa.”
Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim

Sharaxa
Xadiiskani wuxuu caddeynayaa qofkii ka leexda Jidkii Alle iyo Rasuulku jideeyeen inuu baadi yahay. Xadiiskani waa udubbada ugu waaweyn ee Islaamka, wuxuu ka digayaa in Diinta lagu soo daro wax aan ka mid ahayn, ama laga naaqusiyo, ama la beddelo ama la qalloociyo. Sababtoo ah Diinta Islaamku wey dhammeystiran tahay oo Ilaahay baa abyay, marka qofkii wax ku soo daraya ama ka naaqusinaya wuxuu ka dhigan yahay qof leh anigaa Ilaahay ka aqoon badan oo waxaanu sheegin baan Diinta ku darayaa, ama wuxuu sheegay baan ka goynayaa. Waxyaalaha laga digaayo in diinta lagu soo dirriyo ama laga naaqusiyo ma aha oo keliya cibaadada ee waa farac kasta oo ka mid ah Diinta Islaamka sida macaamilaadka Nikaaxa, Usluubta, Anshaxa, Xiriirka Bulshada, xuquuqdooda iwm. Haddaba, qofka muslimka ah ee ku camal fala masalo aan sharciga ku dhisneyn abaalkiisu waa in camalkiisu buro oon laga ajar siin, weliba waxaa la arkaa inuu ku dambaabo ama diintaba kaga baxo falalka qaarkood.
Haddaba, waxaa waajib ku ah qof kasta oo muslim ah inuu hubsado in camalkiisu sharciga waafaqsan yahay iyo in kale. Waxaana jira miisaan lagu qiyaaso camalka oo ah sida uu Nebigu ﷺ. iyo asxaabtiisu ugu camal fali jireen mas’alada hortaalla, waxaad heleysaa jawaab saxiix ah oo laga soo weriyay Nebigii iyo Asxaabtiisii. Haddaba, waa in laga digtoonaado bidcada iyo sheekada ku-tiri-ku-teenka ah ee loo ekeysiinayo diinta laguna khawiyeysiinayo dadka ma-kastada ah ama aqoonta gaaban xagga diinta.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Mas’ala kasta oon sharciga ku fadhin waa baadinnimo;
2. In laga digtoonaado bidcada;
3. In qofku falkiisa ku miisaamo sharciga Islaamka;
4. In la barto diinta si loo kala saaro bidcada iyo sunnada;
5. In diintu dadka ku filan tahay oo laga deeqtoon yahay bidcada.

Xadiiska 4aad

ABUURISTA AADAMIGA

[arabic-font]عَنْ أَبِي عَبْدِ الرَّحْمَنِ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ مَسْعُودٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: حَدَّثَنَا رَسُولُ اللَّهِ ﷺ -وَهُوَ الصَّادِقُ الْمَصْدُوقُ-: “إنَّ أَحَدَكُمْ يُجْمَعُ خَلْقُهُ فِي بَطْنِ أُمِّهِ أَرْبَعِينَ يَوْمًا نُطْفَةً، ثُمَّ يَكُونُ عَلَقَةً مِثْلَ ذَلِكَ، ثُمَّ يَكُونُ مُضْغَةً مِثْلَ ذَلِكَ، ثُمَّ يُرْسَلُ إلَيْهِ الْمَلَكُ فَيَنْفُخُ فِيهِ الرُّوحَ، وَيُؤْمَرُ بِأَرْبَعِ كَلِمَاتٍ: بِكَتْبِ رِزْقِهِ، وَأَجَلِهِ، وَعَمَلِهِ، وَشَقِيٍّ أَمْ سَعِيدٍ؛ فَوَاَللَّهِ الَّذِي لَا إلَهَ غَيْرُهُ إنَّ أَحَدَكُمْ لَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ الْجَنَّةِ حَتَّى مَا يَكُونُ بَيْنَهُ وَبَيْنَهَا إلَّا ذِرَاعٌ فَيَسْبِقُ عَلَيْهِ الْكِتَابُ فَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ النَّارِ فَيَدْخُلُهَا. وَإِنَّ أَحَدَكُمْ لَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ النَّارِ حَتَّى مَا يَكُونُ بَيْنَهُ وَبَيْنَهَا إلَّا ذِرَاعٌ فَيَسْبِقُ عَلَيْهِ الْكِتَابُ فَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ الْجَنَّةِ فَيَدْخُلُهَا”.[/arabic-font]
[arabic-font][رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ][/arabic-font]
[arabic-font]، [وَمُسْلِمٌ][/arabic-font]

 

Wuxuu yiri Abuu Cabdir-Raxmaan Cabdullaah ibn Mascuud (Alla ha ka raalli noqdee): Waxaa noo xadisay Rasuulkii Alla ﷺ isagoo ah runle la rumeeye oo wuxuu yiri:
Qofka waxaa lagu uruuriyaa caloosha hooyadii isagoo candhuuf yar ah 40 maalmood, intaa in la’egna wuxuu ahaanayaa xinjir yar, intaa in la’egna wuxuu noqonayaa waslad yar oo hilib ah, markaasaa loo soo dirayaa malag, wuxuu ku afuufayaa nafta waxaana la farayaa afar eray oo kala ah: inuu qoro arsaaqadiisa, cimrigiisa, shaqadiisa iyo inuu yahay shaqaabad ama saciid. Waxaan ku dhaartay Allahaa aan ilaah kale jirin xaq lagu caabudo isaga ma ahee; qofku wuxuu falayaa camalka reer jannaadka ilaa uu u jirsado in xusul ah, markaas hadduu yahay qof loo qoray Naarta, wuxuu falayaa camalka reer-naareedka, markaasuu gelayaa Naarta. Ama qofku wuxuu falayaa camalka reer-naareedka ilaa uu u jirsado in xusul ah, marka hadduu ahaa qof loo qoray Jannada wuxuu falayaa camalka reer-Jannaadka, markaasuu gelayaa Jannada.
Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim.

Sharaxa
Xadiiskani wuxuu caddeynayaa heerarka kala duwan ee qofku marayo inta uu caloosha ku jiro, heerka ugu horreeya waa isagoo dhibic candhuuf ah ayuu gelayaa minka hooyada, muddo 120 beri ah ayey isu beddelaysaa cad yar oo hilib ah oo in mar la goosto la’eg. Marka ay 4 bilood u dhammaato ayaa lagu abuurayaa nolosha Aadannimada iyo suuraddiisa, isla markaa Allahii aan cilmigiisu xuduudda laheyn oo og qofkaasi wuxuu ku kici doono shar iyo kheyr ayaa wuxuu amrayaa in la qoro xaal nololeedka qofkaa iyo wuxuu abaalmarin mudan doono, arrimahaasna waxaa fulinaya malaggii Alla u xilsaaray.
Waxaa kale oo xadiiskani na tusinayaa inaan Naarta iyo Jannada loo kala dhoweyn oo ay ku xiran tahay khaatuma kheyrka, waxaa la arkaa in qofku gaal ama faasiq yahay, laakiin, marka geeridiisu soo dhowaato iska islaamo ama tooba keeno hadduu caasi yahay.
Haddaba waxaa la gudboon qof waliba inuu Ilaahay baryo, inuu khaatimadiisa kheyr ka dhigo.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Xaaladaha kala duwan oo qofku ku marayo uurka hooyadi.
2. Ilaa 4 bilood laga gaaro inaan qofka lagu abuurin ruuxda Aadannimada.
3. Kheyrka iyo shartu sidey isugu dhow yihiin.

Xadiiska 3aad

DHIDIBBADA ISLAAMKA

[arabic-font]عَنْ أَبِي عَبْدِ الرَّحْمَنِ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عُمَرَ بْنِ الْخَطَّابِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ: سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: ” بُنِيَ الْإِسْلَامُ عَلَى خَمْسٍ: شَهَادَةِ أَنْ لَا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ، وَإِقَامِ الصَّلَاةِ، وَإِيتَاءِ الزَّكَاةِ، وَحَجِّ الْبَيْتِ، وَصَوْمِ رَمَضَانَ”. [/arabic-font]

[arabic-font][رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ]، [وَمُسْلِمٌ].[/arabic-font]

 

 

Waxaa laga wariyey Abuu Cabd ar-Raxmaan Cabullaah ibn Cumar-ibn al-Khaddaab, Alla ha ka raalli noqdee, Inuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulkii Alla ﷺ oo leh:
Waxaa lagu dhisay Islaamka Shan dhidib oo kala ah:
(1) Qiridda in ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla ma ahee, Nebi Muxammadna Rasuulkii Alla yahay.
(2) Oogidda salaadda.
(3) Bixinta Sakada.
(4) Soomidda Bisha Ramadaan.
(5) Gudashada Xajka.
Waxaa weriyey al-Bukhaari iyo Muslim.

Sharaxa
Xadiiskan wuxuu la mid yahay xadiiska labaad qaybta ku saabasan arkaanta Islaamka, marka shantaasi dhidib, waa shantaa tiir ee qofka loogu aqoonsan karo inuu ka mid yahay bulshada Muslimka ah. Muslimnimada runta ahna waa hadba sida qofku ugu dhaqmo shantaa tiir iyo waxyaalaha la xiriira.