Category: Bisaddii Bubaysta

  • Qeybta 20aad

    Maalintii danbe ayuu Jebron iska soo dhigay habar gabowday oo soo xidhay dhar habareed; waxanu soo qaatay danbiil ubax ah oo la hor fadhiistay irriddii guriga reer Bataylus. Siduu filayey ayey Blekso iyo aabbihii ka soo laabteen kaniisaddii, saacad ka dibna Blekso ayaa intuu fuulay gaadhifaras yar oo laba faras jiidayso, ayuu ka baxay gurigii. […]

  • Qeybta 19aad

    Habeennimadii danbe goor cawaysin ah ayuu Jetro isaga oo kaga duulinaya soo dhacay. Hadduu daf soo yidhi godkii dhagaxa ahaa ee ay ku jireen labada wiil ayuu warkii uu siday dhiibay, kuuye, “Qas kale ayaa dhacay, Maysa ayaa la qafaashay.” Jebron iyo Amuba ayaa mar kali ah istaagay, “Maysa ayaa la qafaashay!” ayey kol kali […]

  • Qeybta 18aad

    Haatan cadceeddii baa dhacday oo dhulkli baa soo madoobaaday. Jetro iyo labadii inan baa u kacay xaggii ninkii iyaga basaasayey fadhiyey. Ninkii baa xaggoodii isna u soo dhaqaaqay si uu u hubsado dadka ku soo socdaa waxay yihiin. Hadduu u soo dhawaaday ayuu Jetro hadal la’aan kula booday oo qaarihii madaxa ku qaaday, kiina afkuu […]

  • Qeybta 17aad

    Maalmo badan ayaa sidii ku tegay ilaa la wada rumaystay in bisaddii, si ay noqotaba, si uun ku dhimatay. Ameres iyo qoyskiisii iyo intii kale guriga la joogtayba, siday caadadu ahayd, ayay u baroorteen. Gurigii iyo intii ku noolaydbana waa la nacladay oo sharafdhac weyn bay muteen. Maalinba maalinta ka danbaysa ayaa cadaawadda iyo nacaybka […]

  • Qeybta 16aad

    Jebron baa qolkii aabbihii ka soo baxay isaga oo aad mooddo in uu riyo ku jiro farxad darteed. Waxaa aad u yaab galisay oo marna madaxiisii ka bixi wayday naxariis badnaanta aabbihii. Wuxuu filayey, marka loo eego dambiga uu galay, in sidii wax wasakh ah guriga dibadda looga tuuro. Markuu qolkii soo galay wuxuu arkay […]

  • Qeybta 15aad

    Isla maalmahaas waxaasi dhacayeen ayaa waxay Jebron iyo Maysa dareemeen in shinbirahoodii carbisanaa. ay yihiin sidii waxay halis ka baqayaan; waayo waxay arkeen shinbirihii oo geedaha dhexdooda aan kaba soo baxayn. “Shaki la’ wax baa jira shinbirahaan ka bajinaya,” ayuu yidhi Jebron. “Fiiri! Dhowr baal baa meesha yaalle; oo qaarkoodna dhiig baabay leeyihiin. Bal aniga […]

  • Qeybta 14aad

    Subaxdii dambe markay cadceedduuni soo boodday ayaa wadaad ka mida kuwii kanisadda u garaacay irriddii guriga Wadaadka Sare; kolkii laga furayna dalbaday in uu arko Ameres. “Sarreeye waxan kuu sidaa war aad aad u xun,” ayuu ku yidhi wadaadkii yaraa. “Wiilkaagii Neko ayaa la dilay.” “Neko baa la dilay!” ayaa ka soo boodday afkii Ameres, […]

  • Qeybta 13aad

    Dhowr maalmood ka dib ayaa Jebron iyo Amuba, goor habeen ah oo dayuxuna aad u iftiimayo tageen kaniisaddii. Waxay galeen mid ka mid ah barxadihii waaweynaa ee gudaha. Waxay arkeen irrid meel hortooda ah ku taalla oo in yar furan. Markay irriddii aad u yar fureen ayaa waxay arkeen jaranjar yar oo dhuuban oo kor […]

  • Qeybta 12aad

    Jebron, intii u socdaalkii ay Goshen ku tageen ka soo noqday isbeddel muhiim ah ayaa ku dhacay noloshiisii. Wuxuu gaadhay heerkii u wadaad ku noqon lahaa. Sidaa awgeedna waxa laga dhigay wadaad ka mid ah wadaaddada kaniisadda. Hawlaha markaa la rabay in uu fuliyo waxay ahaayeen kuwo ku cusub. Ugu horreyntiise way fududaayeen oo markaa […]

  • Qeybta 11aad

    Jetro baa gabadhii sariir yar oo gees taallay dhigay. Dabadeed biyihii buu ku yar rusheeyey; Amubana madaxuu u salaaxay. Cabbaar ka dib bay indhaha kala qaadday oo ay soo miiraabtay. Isla markaa waxa soo galay laba dumar ah. Markaasay qoladeenii iyagu iska baxeen oo kaga tageen dumarkii. “Waxan rajaynayaa,” buu yidhi Amuba, “in aan yartu […]