Qawleysatada Dimoqraadiyadda
Koox baqdin ku jirto ayaa la kulmay Yoonis, Yoonis Maskiina dib ayuu isugu gurtay isaga oo tagay meel yara koraysa.
Markii Yoonis Maskiin waddadii uu ku socday ay dhamaatay, markiiba waxa uu maqlay qof qaylinaya, kuna dhawaaqaya cod xooggan, “Waa qawleysatada Dimoqraadiyadda! Waa Dimoqraadiyad ay qawleysato maamulato! Carar oo isqari!”
“Orod, orod,” ayeey ku tidhi Aragsan, taasoo orod ku dhaafay Yoonis Maskiin, markaaseey meel yara durugsan yara fadhiisatay. Aragsan wajigeeda waxaa ka muuqday cabsi waalan. “Halkan waa in aan iskaga tagnaa oo aynu si deg deg ah uga tagnaa!” ayeey tidhi iyada oo baqanaysa.
Dadkii iskugu soo baxay daaraha agtooda oo dhan ayaa u kala yaacay meel walba; dhinac kasta. Saddex qoys oo balaadhan oo caruuro faro badan watay oo is dabayaacayay ayaa isku siidaayay jaranjarooyinkii hoos aadayay. Qaarkood waxay hoos u tuurayeen qaar ka mid ah alaabtooda oo ay iska sii hormarinayeen, una sii tuurayeen saaxiibadooda hoosta ku sii sugayay. Waxay alaabtoodii iskugu keeneen waddadii markaaseey orod isku sii daayeen.
Muddo yar kadib waddadii waxay ahayd mid aan cidiba joogin. Waxaa keliya oo lagu arki karayay dadkii gaabinay kuwaasoo xambaarsanaa caruur- tooda ama ahaa kuwo wax culus watay, waxayse ahaayeen kuwo doonayay in ay iskaga tagaan goobtii sawaxanku wada qabsaday. Daartaas dhinacaas shishe ku taal waxaa qabsaday dab. Yoonis Maskiin isaga oo aan isdhaqaajinayn ayuu wuxuu qabsaday gacantii Aragsan. “Maxaa dhacaya?” ayuu waydiiyay. “Maxay cid waliba u baqaysaa?”
Aragsan iyada oo isku dayeeysa in ay gacanteeda kala soo baxdo ayeey ku qaylisay Yoonis markaaseey ku tidhi, “Waa qawleysatadii Dimoqraadiyadda! Waa in aan is deg deg ah halkan uga tagnaa!”
“Maxaan?”
“Ma’ahan wakhtigii su’aalaha la iswaydiin lahaa, aynu halkan iskaga tagno!” ayeey Aragsan ku qaylisay. Laakiin Yoonis waa uu diiday in lagu khasbo in uu iskaga tago goobtii, waa uuna sii adkeeyay gacanteedii ee uu sii haystay. Iyada oo cabsi wayni ku jirto waa ay sii qaylisay, “aah, isiidaa ama labadeenaba waa ay naqabsanayaan!”
“Kuma ayaa inaqabsanaya?”
“Waa Qawleysatada Dimoqraadiyadda! Waa ay qabsadaan cidkasta oo ay gacantooda ku dhigi karaan, kadibna waa ay u codeeyaan wixii ay ku samayn lahaayeen. Waa ay kaa qaadanayaan lacagtaada, waxay kugu xidhanayaan sanduuq, ama waa ay kugu khasbayaan in aad ka mid noqotid kooxdooda. Qof wax ka qaban karaana ma jiraan!”
Yoonis Maskiin waxa uu bilaabay in uu war wareejiyo madaxiisa. Halkee bay ku sugan yihiin ciidankan nabadda!? “Miyuusan sharcigu ka badbaadin dadka kooxahan oo kale?”
“Fiiri,” ayeey tidhi Aragsan, iyada oo wali doonaysa in ay ka baxsato Yoonis
gacantiisa. “Hadda aan orodno kadibna aynu wada hadalno.”
“Wali wakhti fiican baan haysanaa. Deg deg, ii sheeg.”
Waxay iska eegtay Yoonis, misna iyada oo welwelsan baqdin xooggana ay ka muuqato. “Waa hagaag. Markii la aasaasay qawleysatada ciidamada nabadda ayaa horkeenay maxkamadda si dambiyadooda loogu soo oogo. Qawleysataddu waxay ku doodeen in ay fulinayaan mabaadiida ku dhisan is xukunka ay maa- mulaan inta tirada badan. Mabaadiida uu saldhigu u yahay dhawridda shar¬ciga, u hoggaansanaanta xeerka dawliga ah iyo taageerida go’aamada maxka- maduhu gooyaan. Waxay wax walba ku saleeyeen oo ay leeyihiin wuxuu ku xidhan yahay codbixinta-sharciga, anshaxa, wax walba!”
“Miyaa la xukumay?” ayuu waydiiyay Yoonis. Hadda waddadii waa lagu kala tagay, cidna ma joogto.
“Ma in aan cararo miyaa haddii horay loo xukumay? Maya, qaalliyadu waxay go’aamiyeen saddexdiiba laba ayaa igu taageeray. ‘Badnaan Toosan oo Ilaahi ah’ ayeey ugu yeedheen. Intii ay bilaabeen qawleysatadu in ay cayr- sadaan dadka ay ka tira badan yihiin waxay ahaayeen kuwo xor u ah in ay sameeyaan wax alle iyo wixii ay doonayaan.”
Sharciyada qaawan iyo sida ay wax yihiin jasiiraddan waa mid uu Yoonis ugu dambayntii uu yara fahmayo. “Sidee bay dadku ugu nool yihiin meel sidan oo kale ah? Waa in uu jiraa si aad isku difaaci kartid adiga naftaada!”
“Difaaca keliya ee laga soo horjeesan karo Qawleysatada Dimoqraadiyadda waa in laga mid noqdo qawleysato kale oo gaara tiro fara badan.” Yoonis wad- dadii buu u sii raacay Aragsan. Waxay dhaafeen dukaamo iyo aqallo, waa ayna sii socdeen, Aragsana waxay biloowday in ay qayliso, “Ma’aan carareen haddii la ii oggolaan lahaa in aan iibsado qori.” Kor iyo hoos waxay ku socdaanba waa ay sii socdeen, oo ay ku sii socdeen surinyo kore, aqallo ganjeelooyin waa weyn leh, sii mareen dhinacyada aqallada, iyo suuqyada dhexdood. Aragsana si fiican ayeey magaalada u taqaanay, waxaana la moodaa in ay wada xafidday magaalada oo dhan.
“Waxaan ku idhi,” ayuu la soo booday markaaseey sii carareen. “Waxaan ahey Yoonis – waa ay wanaagsan tahay in aan kula kulmo!”
Labadoodii waa ay sii ordeen ilaa ay ka daaleen. Ugu dambayntii markay dhaafeen waddooyinkii iyo aqalladii, Yoonis iyo dadka la socday waxay kor u fuuleen si ay u gaadhaan meel dusha ah si ay u helaan nabad. Intii qorraxda ka sii hadhay waa ay ku sii dhacday dhinaca ka xiga galbeedkooda, Yoonis Maskiin waxa uu arkay dab faro badan oo ka imanaya magaalada ka hoosaysa. Codad meel fog ka imanaya iyo dhawaaq xooggan ayaa halkooda ugu imanayay.
“Ma’aan sii wadi karo intaa wax dheer,” ayeey tidhi iyada oo Aragsan ay neeftuurayso, timaheeda dhaadheer ee midabka kafeega ah waxay gaarayeen ilaa iyo dhabarkeeda. Waxay dhabarkeeda ku cuskatay geed, iyadoo yara neef tuuraysa. Yoonis Maskiin waa uu fadhiistay isagoo si fiican isu kala bixinaya, aad buuna u daalan yahay, markaasuu wax ka dayay dhagax agtiisa yaalay bal in uu isku tiiriyo. “Waxaan ka walwelsanahay waxa ku dhacay dadkayga,” ayeey tidhi Aragsan iyadoo aad u cadhaysan.
Markii uu arkay walwelka Aragsan, Yoonis waxa uu bilaabay in uu isna ka walwelo odaygii iyo haweeneeydii xaaskiisa ahayd ee sida wacan u soo dhaweeyay habeen buuxana raashinkiisa iyo meel uu seexdana siiyay – iyo gabadhoodii yarayd ee ay awoowga iyo ayeeyada u ahaayeen, Ladan. Qofkasta oo ku nool halkan waxa uu u baahan yahay caawimo. “Waa nasiib darro in dadkaagu ay mar walba dagaalamaan. Waa arrin aan wanaagsanayn in aysan jirin dawlad ilaalisa nabadda.”
Aragsan waxa ay eegtay Yoonis iyadoo hadda agtiisa fadhiisanaysa. “Waad isku dhexyaacisay,” ayeey tidhi. Waxay u tilmaamtay halka uu mudaharaadku ka socday. “Inta aanu xusuusan karno dadku waxa keliya oo ay yaqaanaan waa in ay xoog ku qaataan wax kasta oo ay doonayaan. Kumaad u malaynaysaa in uu yahay macalinkooda?”
Yoonis isagoo la yaabay ayuu ka jawaabay su’aasha la waydiiyay, “Ma wax¬aad u jeedaa qofka baray in xoog la isticmaalo waa iska caadi?”
“Maya in ay cid uun bartay. Dadka badankoodu waxay wax ku bartaan waa waxa ay ka arkaan dadka kale.”
“Maxay Golaha Guurtidu dadkan uga joojin la’dahay isticmaalidda xoogga?” ayuu yidhi Yoonis. “Taasi waa tan looga baahan yahay dawladda in ay samayso, miyeen ahayn? In ay dadka ka badbaadiso kuwo isticmaala xoogga?”
“Golaha Guurtida ayaa isticmaala xoog,” ayeey tidhi Aragsan. “Inta badanna waa kan dawladda looga baahan yahay in ay dadkeeda ka badbaadiso.” Aragsan waa ay yara cadhootay. “Waxaan xaq u leeyahay in aan is badbaadiyo sidaa daraadeed waxaan waydiiyaa dadka kale iyo Golaha Guurtidaba in ay igu caawiyaan sidii aan isu daafici lahaa. Laakiin waa khalad in aan anigu dadka kale aan weeraro, waana khalad xitaa in aan cid kale waydiisto in ay cid kale ii weeraraan.” Waxay aragtay Yoonis oo meel bannaan sii eegaya, oo ku wa- reeray wixii ay ka hadlaysay, maba uusan fahmin waxay ka hadlaysay, farteeda ayeey ku riixday Yoonis markaaseey tidhi, “Dhagayso, Marka aad qof wax ka doonaysid maxaad samaysaa sidii aad ku heli lahayd waxaad doonaysid?” Yoonis waa uu ka jawaabay isagoo weli dareensan dhaawicii ka soo gaaray tuugadii dhacday dhaawacii ay u gaysteen, “Ma waxaad u jeeddaa in aadan isticmaalin qori?”
“Haa, adigoo aan qaadanayn qori.”
“Waa hagaag, waan isku dayi karaa in aan ka dhaadhiciyo,” ayuu ku jawaabay Yoonis.
“Sax. Ama…?”
“Ama – ama, lacag baan siin karaa?”
“Haa, taasina waa wax ka dhaadhicin ama qalqaalin. Imminkana mid kale.” “U tag Golaha Guurtida sida sharciga ah?”
“Sax ah,” ayeey tidhi Aragsan. “Dawladda uma baahnid in aad lacag siisid ama aad qalqaalisid dadka kale. Uma baahnid in aad ku ekaatid iskaa wax u qabso. Haddii aad ku guulaysatid Golaha Guurtida in ay ku taageeraan, oo ay kuu codeeyaan ama aad siisid laaluush si ay gacan kuu siiyaan, markaas waad awooddaa in aad dadka kale ku khasabtid waxa aad adigu aad doonaysid. Dabcan mar haddii ay cid kale ugu deeqdo in ka badan inta aad siisay Golaha Guurtida kaasina waa uu kugu khasbi karaa wax kasta oo uu doonayo. Mar kastana Golaha Guurtidu waa kuwii guulaysta.”
“Laakiin waxaan u haystay in ay dawladdu tahay tan isku haysa bulshada.” Ayuu yidhi Yoonis.
“Taasi waa mid liddi ku ah,” ayeey tidhi Aragsan. “Awoodda lagu baabi’inayo dadka kale waxay meesha ka saartaa in dadku ay wax wada qabsadaan. Dadka badankoodu waa ay wada qabsan karaan wax alle iyo wixii ay doonayaan – dadka intiisa kalena waa in ay aqbalaan. Waa sharci, laakiin dadka intiisa kale ma taageersana, kumana qanacsana, waa cadhaysan yihiin, waana kuwo u ah cadaawe. Go’aankan wuxuu abaal marin u yahay dadka intiisa badan.”
Tanina waxay xusuusisay Yoonis Sheekoxariirooyinkii uu maqli jiray beri hore ee ku saabsanaa sarkaal sare oo qaabilsanaa amniga iyo sharci ilaalinta ee Duqa Amni-ilaalinta ee Wadajir yar isaga oo isticmaalaya awoodda dawladda musuqmaasuqu saameeyay, kana xoogaysa hantida dadka hantiilaha iyo kuwo saboolka ah, si uu ugu faa’iideeyo asxaabtiisa. Yoonis markii uu maqlay in dadkii ay ka soo horjeesteen duqa amni-ilaalinta loo xilsaaray iyo saaxiibadiis, farxad weyn ayuu dareemay.
Aragsan waxay ku hoggaamisay Yoonis dabkii hoostooda ka holcayay. “Fi- iri mudaharaadka hoosteenna ka socday,” ayeey tidhi. “Dagaalkan xooggan ee loogu jiro awood raadsiga waxa uu si aad ah u kala qaybinayaa bulshada. Dhinac kasta oo jasiiraddan aad ka eegtid kooxaha waaya doorashooyinka maalin uun bay qarxayaan. Nasiib darro, waxay doonayaan in ay ku soo qunaanadaan dagaal marka ugu dambaysa. Waxa keliya oo ay doonayaan iyagu waa in ay sameeyaan isbedel.”
Markiiba waxay biloowday in ay iska ooydo. “Mar aan dhawayn waxaan bi- laabayaa in aan baadigoobo aabaheey,” ayeey tidhi. “Waxaana loo qoondeeyey meel khaas ah aan ku kulanno marka ay tanni dhacdo. Waxa uu ka walwelaa waa anniga, laakiin waxaan sugayaa inta uu dabku uu ka yaraanayo.” Wax yar ayeey hakatay, kadibna waa ay sii wadatay, “Dadka qaarkii waxay yiraahdaan mararka qaarkii dabku waa wax ay u baahan yihiin kuwo dhirta jara – taasoo abuurta baahi badan oo loo qabo looxa.”
Danyar Yoonis Maskiin. Waa uu fadhiistay isagoo ka fikiraya waxyaabihii faraha badnaa ee uu la kulmay. Halgankiisii wuxuu isu bedelay mid cabsi leh oo laga argagaxo, waxaa dawakhiyay dabeecadihii dadkii uu la kulmay, kuwaasoo ahaa kuwo raadinayay awood balaadhan. La kulankiisii dadkaas oo dhan waxay ka dhigtay Yoonis mid aragti dheer u korortay.
Yoonis waxa uu ahaa markiisii horeba mid aamina dadka kale. Waxa uu u arkayay madaxdu in ay yihiin kuwo daacad ah oo dadka si fiican u metela. Yoonis dadka si sahlan ayuu ku aaminaa, kuwo ficilka wanaagsan sameeyana waxa uu u arki jiray in ay yihiin kuwo wacan, maxaa yeelay, waxa uu eegi jiray danta guud; wanaaga ay sameeyeen. Laakiin imminka waayo aragnimadii uu ka kororsaday intii uu dhexmeeraray jasiiraddan wax wayn ayaa iska bedelay Yoonis. Isaga oo baadigoobaya erayadiisa, garan la’na wax uu yiraahdo, Yoonis waxa uu ilaawi gaaray Aragsan oo ay wada socdeen, taasoo iskaba seexatay, si wanaagsana u khuurinaysa. Yoonis Maskiin isagoo iyada sii eegaya waxa uu ku fikiray, “Si fiican bay u seexatay. Waa qof wax qabsan kara, oo nafteeda ilaalin karta. Laakiin waa in aan baadigoobaa sidii aan ku tagi lahaa aqalkayagii. Marka hore aroorta waa in aan gaaraa halka ugu sarraysa buurtan. Waxaa dhici karta in aan arko maraakiib ku soo xirtay dekada.” Yoonis Maskiin, laftigiisuna waa uu fadhiistay si uu u nasto.