Tuduca 10aad

Iibinta Awoodda
Marwo Ashkira waxa ay ku hanuuninaysaa Yoonis in uu ka qaybqaato Siyaasadda.

Haweeneey cod wayn oo furfuran ayaa hoos u eegtay Yoonis intii uu meer meerayay magaaladda, kana fikirayay meesha uu tagayo. Iyadoon hakanaynin ayeey qabsatay gacantiisa midig, waxayna bilooday in ay riix riixdo. “Iska warran? Miyeen ahayn maalin wanaagsan?” ayeey ku tiri cod aad u qurux badan, iyada oo wali tuujinaysa gacantiisa. “Waxaan ahay marwo Ashkira, mudanahaaga Golaha Guurtida, waxaana aad ugu raja way- nahay deeqdaada iyo codkaaga in aad igu taakulayn doontid dib u cararkayga aan ugu tartamayo kursigayga Golaha Guurtida, halkaana aan kugu metelo oo aan halkaas ku soo bandhigo arrimahiina.”

“Waa hagaag?” ayuu yidhi Yoonis, isaga oo aan garanayn waxa uu ugu jawaabi lahaa hadalkeeda deg dega badan. Waligiina lama uusan kulan qof erayo faro badan mar qudha afkeeda ka soo daynaysa.

“Haa heey,” ayeey ku dartay marwo Ashkira, iyada oo aan dhagaysanayn hadalkiisa. “Waxaan doonayaa in aan ku siiyo lacag, haa heey, haa, waxaan doonayaa in aan lacag ku siiyo waad waydiisan kartaa intan mid ka wanaagsan, baltaana ka warran?”

“Lacag aad iigu siin doontid ka qaybgalkayga iyo cod bixintayda?” ayuu waydiiyay Yoonis isagoo aad u yaaban.

“Dabcan kuma aan siinayo lacag toos ah, taasina waa jabin sharci iyo laalu- ush qaadasho,” ayeey tidhi marwo Ashkira, iyadoo si gaar ah u eegaysa iyo iyada oo garabkiisa sii qabsanaysa. Waxayna ku dartay, “Laakiin waxaan ku siin karaa shay aad u wanaagsan sida lacagta – una dhiganta in badan deeq- daada codeed, taasina waa waxaan kuu samayn doono, taana ka warran?” “Taasi waa wax wanaagsan,” ayuu Yoonis ugu jawaabay, waana uu arkayay in aynaan dhagaysanayn.

“Waa maxay shaqadaadu? Maxaa yeelay haddii aad rabto, waad og tahay, waxaan kuu qaban qaabin karaa caawimaad dawladeed, sida dayn ama shati ama deeq ama canshuurta oo aan kaa yareeyo. Haddii aad doonto wax- aan waxyeeli karaa shirkadaha kula tartamaya aniga oo isticmaalaya sharciga, qawaaniinta, dabagalka joogtada ah, iyo kormeerid sare. Markaa waad arki kartaa ma ay jiraan maalgelin ka wanaagsan – mid la gashado siyaasi. Dabcan waxaad jeceshahay waddo cusub ama Jardiinooyin laga dhiso xafaddaada ama aqal aad u wayn ama.”

“Sug!” ayuu ku soo qayliyay Yoonis, isaga oo isku dayaya in uu joojiyo erayadeeda, “sidee baad igu siin kartaa wax badan, oo ka badan waxaan anigu ku siiyay? Ma waxaad tahay mid aad taajir u ah, deeqsinimana u dheer tahay?” “Aniga, hantiile? Maya!” ayeey tiri mudane marwo Ashkira.

“Ma’aan ihi taajirad, WAA HAGAAG, wali ma’aan ihi. Deeqsiyad? Ha¬gaag, waad odhan kartaa, laakiin ma’aan qorshaysan in aan ku siiyo aniga lacagtayda, dabcan. Maxaa yeelay, waad arki kartaa, waxaan mas’uul ka ahay lacagta dawladda. Waad ogtahay, lacagta lagu soo uruuriyay canshuuraha. Waxaan noqon karaa deeqsi daacad u ah dadka saxda ah.”
Yoonis wali ma uusan fahmin waxay ula jeeday. “Laakiin, haddii aad iib- satid codkayga, miyeen taasi la mid ahayn, hagaag, laaluush?”

Marwo Ashkira wajigeeda waxa ka muuqday isla wayni. “Waxaan adiga ku ahaanayaa daacad, saaxiibkaygii qaaliga ahaayoow.” Iyada oo dhigaysa gacma- heeda garabkiisa, waxayna aad ugu soo riixday dhinaceeda. “Waa laaluush, laakiin waa sharci marka siyaasiyiintu ay isticmaalaan dadka lacagtooda, intii uu isticmaali lahaa lacagtiisa ama lacagteeda. Sida caadada ah waa sharci darro in aad adigu ku deeqdo lacag, taasoo aad ugu deeqdid arrimo siyaasadeed, had- diise aad ugu yeedho deeq olole siyaasadeed’. Kadib waxay noqonaysaa caadi. Laakiin, xitaa, haddii aadan ku faraxsanayn in aad si toosa aad ii siiso, waxaad iila hadli kartaa saaxiibadaa ama tolkaa, ama dadka aad wada shaqaysaan in ay lacag iigu deeqaan, ama maalgelin dhaqaale, ama aad si wacan aad iila xaa- jootid, ama qaraabadeey imminka ama mar kale, iyaga oo ku metalaya adiga.” Waxayna sii daysay neef durbadiiba. “Imminka ma fahantay?”

Yoonis waxa uu gilgilay madaxiisa, “wali ma’aan arko faraqa u dhexeeya. Waxaana u jeedaa, waxay iigu muuqataa laaluushsiinta dadka codkooda iyo wax isdhaafsigu waa laaluush gadasho sideey doonto ha ahaatee ama ciddii doonto ha iska lahaato lacagta. Wax qiimana magacu kuma fadhiyo haddii ficilku uu isku mid yahay.”

Marwo Ashkira waxay ku qososhay Yoonis, iyada oo isku dayeeysa in ay qanciso. “Saaxiibkaygii qaaliga ahaayoow, ee qaaliga ahaayoow, waa in aad soo dabacdaa. Magacu waa wax walba. Waa maxay magacaagu? Wali cidi ma kuu sheegtay in aad leedahay fikrado aad u sarreeya? Meel dheer ayaad gaari kartaa haddii aad u cararto xafiis dawladeed, haddii aad ku darsatid dabacsanaan. Dabcan waxaan kuu raadin karaa meel fiican xafiiskayga marka doorashadaydu dhamaato. Soo dhawoow, wax uun baad doonaysaa?”

Yoonis waxa uu wali ku jiraa baadigoobkiisii hore, wuxuuna isku dayay in uu sii waydiiyo sharaxaad kale. “Maxaad ka helaysaa marka aad bixinaysid lacagta canshuur bixiyayaasha?”

“Aad iyo aad baan ugu riyaaqayaa in aan helo codkaaga…”

“Waa hagaag, qaybi waxay tahay kharashkayga. Waxa kale oo la ii ballan- qaaday kharashkayga marka aan shaqada ka fadhiisto, laakiin inteeda badan waxay i siinaysaa aqoonsi, ama aaminaad ama caanimo ama jacayl ama qushu- ucid ama meel aan ka galo sooyaalka – intaas oo dhan iyo in ka badan oo codeed!” ayeey raacisay marwo Ashkira, “codku waa awood, wax kale ma jiro aan ka helo aan ahayn in aan awood ku yeesho nolosha dadka, xorriyadda, hantida cid waliba leedahay ee ku sugan jasiiraddan. Maad qiyaasi kartaa inta qof ee aniga i taageeri kartaa – aniga i siin kara taageero buuxda, mid weyn iyo mid yar? Dhinacaygana canshuuraha yar iyo qawaaniintu waxay yihiin fursad aan wax ku bixiyo. Dhibaata kastana mid yar iyo mid weynba oo aan ka jawaabo waxay i siinaysaa awood badan. Waxaan karaa in aan go’aamiyo wixii aan doono. Ilaa iyo intii aan ahaa ciyaal waxaan ku raja waynaa in aan noqdo qof mas’uul ah. Adiguna waad kari kartaa!”

Yoonis kama uusan helin sida ay garbihiisa u qabsatay. Wuxuuna isku dayay in uu ka hoos baxo, kana dhex duso gacmaheeda, laakiin marwo Ashkira waxay si aad ah u qabsatay farihiisa.

“Dabcan,” ayuu yidhi Yoonis, “Waxay tahay heshiis adiga iyo saaxiibadaa si aad idiinku wanaagsan, laakiin dadka kale miyeeynaan ka xumaan in lacagtooda loo isticmaalo in lagu iibsado codadka dadka, taageerid iyo awood?”

“Dabcan,” ayeey tidhi, iyada oo kor u qaadaysa gadhkeeda. “Markan waxaan noqday hogaamiyaha dib u habaynta.” Iyada oo ugu dambayntii sii daynaysa gacanta Yoonis, marwo Ashkira waxay xoog u tuurtay gacmaheeda, iyada oo hawada ku sii tuuraysa. “Sanado badan waxaan qoray sharciyo cusub si aan lacagta uga qaado siyaasiyiinta. Mar walbana waxaan odhan jiray waa dhibaato gaamurtay, wax taageerana kama aan helin dadka codka bixiya, aniga oo isku dayayay in aan isbedel sameeyo.” In yar bay aamustay, waana ay sii- waday, “nasiib wanaag anigu mar walba waan aqaanaa si aan uga war wareego sharciga mar haddii ay jiraan taageero qiimo leh oo wax lagu bedeli karo.” Marwo Ashkira waxay si aad ah u eegtay mar labaad Yoonis, iyada oo si gooni ah uga boganaysa sida uu u eg yahay. “Cid taano ku siinaysa si aad cid u taageerto ma jirto, maxaa yeelay adiga wali ma aad haysatid taageero aad wax ku iibsatid. Waana mid sidaas u toosan, miyaadan arkaynin? Laakiin wajigaagan maskiinimadu ka muuqato iyo taageeradayda, dhar cusub iyo timo si aad u sarraysa loo jaray, waxaan laba jibaar ka dhigayaa sharciga khuseeya codbixiyayaasha cusub. Kadib toban ama labaatan sano oo aqooneed-waa hagaag, ma’ay jiraan wax hortaagan waxyaabaha dhici kara! Soo booqo Go¬laha Guurtida, waana eegayaa waxaan kuu qaban karayo.” Markii ay marwo Ashkira ay intaa tidhi waxay indhaheeda ku dhufatay koox shaqaala ah oo baadigoobaya aqal sii baaba’ayay oo ah warshad dayacan, kana soo horjeeda waddada. Markiiba xiisaheedii Yoonis hoos ayuu u dhacay, waxayna isku day- day in ay horay u sii socoto, iyada oo baadigoobaysa wax cusub.

“Isticmaalidda lacagta dadka kale waxay tahay wax arbushid,” ayuu yiri Yoonis, isaga oo hel helaya erayooyinkii uu damacsanaa in uu yiraahdo, marki- iba dhagaheedii baa xiiso hor leh bilaabay, marwo Ashkira waa ay istaagtay, dib ayeeyna mar qudha u soo talaabsatay. “Ma waxaad tidhi ‘arbushid’? Yaa! Waxay dhab ahaantii iila eg tahay cunug yar oo nac nac laga qaatay. Waxa dadku aynaan i siin, waan ka daynsadaa. Waad aragtaa, wakhti fog baan tegi lahaa, si wanaagsana waa la ii xasuusan lahaa marka caruurtoodu ay helaan masruufkooda.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *