Tuduca 12aad

Dagaaladii Maktabadaha
Nin iyo naag ku dagaalamaya qiimaha buugaagta.

Arrimihii kale gedisnaa ee ka socday waddooyinka ayaa sii kordhay, Yoonis Maskiin waxa uu ku sii socday bartamaha magaalada. Dad xidhnaa dhar aad u sarreeya ayaa waddada daadsanaa, kuwaasoo ku xoonsanaa dhinacyada waddooyinka. Si deg deg ah isaga oo jaraya bartamaha jardiinada, Yoonis waxa uu la kulmay nin aad u wayn iyo gabadh, kuwaasoo aad iyo aad isugu qaylinayey. Waxayna u ekaayeen kuwo diidan in ay fikrad- dooda bedelaan iyo iyaga oo aad u qaylinayey, ayeey misna gacmahooda cirka ku tuureen, iyaga oo kor u boodboodaya, aadna u caraysan. Markiiba waxa uu ku soo biiray dad tiro yar oo waddada marayey, oo u hakaday si ay u arkaan waxa kallifay dagaalkan.
Markii askarigii yimid si uu u kala saaro, Yoonis waxa uu ku sii jeestay haweeneeydii ku xigtay, isaga oo waydiinaya, “maxay isugu caraysan yihiin?” Haweeneeydii waxay ku jawaabtay, “labadani waxay is haysteen sannado faro badan, murankooduna waxa uu ku salaysan yahay buugaagta taala mak- tabadda. Ninku mar walba waxa uu ka cawdaa buugaag faro badan, wuxuuna yiraahdaa waa kuwo ku daafad ah, oo ay ka buuxdo anshax-xumo iyo kuwo aan sharaf lahayn. Wuxuuna doonayaa in buugaagtaas la tuuro, lana gubo. Iyaduna waxay ugu jawaabtaa, kuna tiraahdaa nacas madax adag.”
“Iyo iyada oo doonaysa in ay akhriso buugaagtaas?” ayuu Yoonis oo ka qaybqaadanaya sheekadoodii yidhi.
“Waa hagaag, sidaas ma’ahan? Ayuu yidhi qof kale oo ka mid ahaa dadkii waddada dhinac taagnaa, ahna nin aad u dheer, kaasoo gacanta haystay inan yar. “Cabashadeedu waa mid la mid ah tiisa – inkastoo ay ku wajahan tahay buugaag kala gedisan, waxayna ku doodaysaa in buugaag badan oo yaala mak- tabadda ay yihiin kuwo liddi ku ah dumarka iyo kuwo ay isirtakoornimo ku gaamurtay.”
“Aabe, Aabe, waa maxay ‘liddinimadeedu’?” ayeey ku dooday gabadhii yarayd, iyada oo soo jiidaysa surwaalkiisa.
“Bal u kaadi in yar, gacaliso. Waxaan lahaa,” ninkii hadalkiisii buu sii watay, “haweeneeydu waxay ku adkaysanaysaa in kuwo liddiga ku ah dumarka iyo kuwa isirtakoornimo ku jirto banaanka loo tuuro iyo iyada oo doonaysa in buugaagta ay rabto loo soo iibiyo maktabadda.”
Askarigii waxa uu soo xidhay labadoodii dagaalamayey. Waxayna ku jiiday- een dhulka. Yoonis oo ka yaaban ayaa madaxiisa ruxay isaga oo leh, “waxaan filayaa in askarigu uu xidhay labadoodaba maxaa yeelay waxay ahaayeen kuwo aad iyo aad isugu qaylinayey.”
“Ma’aynaan ahayn,” ayeey tidhi haweeneeydii iyada oo qoslaysa. “Labadooduba waa la xidhay maxaa yeelay waxay diideen in ay bixiyaan canshuurtii maktabadda. Aniga oo tixraacaya sharciga kaasoo sheegaya in cid waliba looga baahan yahay in ay wax ka bixiso lacagta ku baxda buugaagta, haddii ay jecel yihiin iyo haddii kaleba.”
“Ma runbaa?” ayuu yidhi Yoonis. “Muxuu askarigu ugu oggolaan waayey in ay haystaan lacagtooda, si ay u taageeraan maktabadaha dookhooda? Sidaa daraadeed, waxay bixinayaa oo keliya waxay jecel yihiin.”
“Laakiin gabadhaydu ma’ay awooddo in ay aado maktabadda,” ayuu yidhi ninkii isagoo siinaya gabadhiisa yar nacnac aad u wayn oo hadda isugu jirra casaan iyo cadaan.
“Halkaas ku jooji, mudane,” ayeey tidhi haweeneeydii iyada oo si ay diid- nimo ku jirto ku eegaysaa nacnaca.
“Miyeeynaan cuntada muhiim u ahayn gabadhaadu sida yaamiska?” “Maxaad ula jeedaa?” ayuu ninkii ku jawaabay, isaga oo in yar yara difaa- caya nacnicii. Gabadhiisuna waxay iska wasakhaysay dharkii ay xidhnayd.
In yar bay haweeneeydii aamustay, iyada oo aad u fikiraysa. “Wakhti aad u fog waxaanu la xiriirnay maktabaddo aad u faro badan. Dadkuna waxay lacag siin jireen maktabadda ay ka helaan. Waa ayna bixin jireen lacag aad u yar si ay uga mid noqdaan sannadkiiba mar, cid diiddayna ma’ayn jirin. Maktabaduhuna waxay ku tartami jireen sidii ay xubno u heli lahaayeen, oo ay isku dayi jireen in ay helaan buugaagta ugu wanaagsan iyo shaqaale shaqo wacan. Iyo iyaga oo furi jiray wakhtiyo aad u wanaagsan, kana furi jiray meelo ku habboon. Qaarkood xitaa waxay lahaayeen dad aqalkaaga kuugi keenaya iyo kuwo kaasii qaadaya buugaagta. Marka dadku ay kala doortaan waxay doonayaan iyo maktabadda ay ka mid noqonayaan, xiisaha ay akhriska u qabaan ayaa sii kordhaya. Waana arrin mid wada loo qadarin jiray – wuxuuna ahaa mid ka sarreeya nacnaca!”
Waxa kale oo ay ku dartay, “kadib, Golaha Guurtida ayaa yidhi mak- tabaddu waxa uu ahaa mid muhiimad gaar ah ugu fadhiya bulshada. Dadkuna ma’aha in lacag laga qaado marka ay isticmaalayaan. Markaas golahu waxa uu dhisay laabereeriyo aad u waa wayn, dadkuna ay ku isticmaalaan lacag la’aan. Saddex qof oo shaqaala ahna waa la shaqaaleeyey si ay u qabtaan shaqadii uu qof keliya uu qaban jiray. Wakhtigii la furi jiray waa la xakimay, laakiin golaha laabereerigu waxay ahaayeen kuwo aad caan u ah maxaa yeelay dadku lacag la’aan bay ku geli jireen. Muddo kadib maktabadaha waxay waayeen dad wax ku akhrista. Tanina waxay keentay in dad badan ay noqdaan shaqo la’aan.” “Guurtidu waxay ka dhigeen maktabadaha lacag la’aan.” Ayuu Yoonis ku celiyey. “Laakiin waxaan filayaa in aad tidhi qof waliba waa in uu bixiyaa canshuurta laabereeriga?”
“Taasi waa dhab. Laakiin waa caado in loogu yeedho golaha ayaa fududeeyey ‘lacag la’aan’ inkastoo dadka khasab looga dhigay in ay ku bixiyaan. Waa mid aad u horumarsan,” ayeey tidhi.
Ninkii dheeraa waa uu ka soo horjeestay ka mid noqoshada maktabadda. Waligeey ma’aan maqal tan oo kale!
“Dabcan maya,” ayeey haweeneeydii ku soo noqotay. “Golaha laabereerigu waxay dhisnaayeen wakhti aad u dheer oo aadan wax kale ku fikiri karin.” “Imminka, bal u kaadi!” ayuu ninkii yidhi. “Ma waxaad ka soo horjeedaa canshuurta laabereeriga? Haddii Guurtidu ay qabanayaan shaqo waa in dadka xoog lacagta looga soo qaadaa.”
“Lama qadarinayo haddii xoog lagu soo qaado,” ayeey tidhi haweeneeydii. “Cid waliba ma ay oga waxa u wanaagsan. Dadka intooda badana ma’ay awoodaan,” ayuu ninkii ku dhawaaqay. “Dadka aqoonta leh ayaa og in bu- ugaagta bilaashka ahi ay dhisaan bulsho xor ah. Canshuurtana waa la wada qaybsaday si qof waliba u bixiyo qaybtiisa. Dadka kalena waxay doonayaan in
ay ku kor noolaadaan dadka kale!”
“Waxaa jira dad faro badan oo doonaya in dadka kale ka faa’iidaystaan canshuurtaada laabereeriga,” ayeey haweeneeydii ku celisey. “Dadka isticmaala maktabadda iyo kuwa laga cayimay canshuuraha, waxay ku dul nool yihiin dadka kale. Sidee baa taasi cadaalad u tahay? Yaad u malaynaysaa in ay ku leeyihiin awood Golaha Guurtida: Dadka taajiriinta ee Golaha Guurtida saaxiibada la ah ama dadka saboolka ee aan awood u lahayn in ay buug soo kiraystaan?”
Isaga oo riixaya gabadhiisa ka dambaysay ninkii waxa uu ku celiyey, “mak- tabad noocma ah ayaad rabtaa? Ma waxaad doonaysaa in aad kala dooratid laabereeriyada liddiga ku ah dadka qaarkiis?”
“Kama aad carari kartid liddinimo!” Haweeneeydii baa ku dhawaaqday, iyada oo ku soo dhawaanaysa wajigiisa. “Maxaad u malaynaysaa in labadaas ruux ku dagaalamayaan mar koodii hore?
Ma waxaad doonaysaa in nacasyada ka midka ah golaha ay kuu go’aamiyaan waxaad neceb tahay?”
“Hadaba waa ayo nacasyadan?” ayuu ninkii dib u waydiiyey, isaga oo ka daba tagaya haweeneeydii. “Haddii aadan jeclayn maad isaga tagtid Jasiirad- dan!”
“Akhlaaqdaada xun ee aan daacadda ahayn!’ ayeey haweeyneedii ku celisay. Ilaa iyo imminka labadoodu waa ay isku qaylinayeen gabadha yarna waa ay ooyeeysay. Markiiba qof meesha joogay ayaa cagahiisa wax ka dayey si uu ugu yeedho askarta. Yoonis xoog buu labadooddiiba ku dhaafay, isaga oo go’aansaday in uu baadigoobo meel uu qaxooti ku ahaado, kana heli karo nabad iyo meel sideedaba daba hadalku uu ku yar yahay, una dhow maktabad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *