Tuduca 13aad

Waxba Ma’ahan
Bakhtiyanasiib xalinaya dhibaatooyinka naqshadeeyaha.

AQALKA ku heeraarsan maktabadda waxa uu yahay labo dabaq haddii uu ugu yaraado, waxaana lagu xardhay dhagxaan qurux badan. Wax- aase iska soo buuxshay dad aad u faro badan, kuwaasoo ku xoonsan albaabka laga galo. Dadkii baa ku sii yaacay, iyaga oo iska ilaalilanaya in ay ka qaybqaataan iska horimaadka ka socday dhulka ka dambeeya ee lahaa jardiinooyinka. Yoonis waxa uu ku biiray kooxdii, waxa uu akhriyey isaga oo si gaar ah u xiisaynaya warqadda ku xardhan midabka dahabka, kana koraysa albaabka, “MAKTABADA DADWAYNAHA EE MARWO ASHKIRA.”
Dadka xagga dambe safka kaga jiray waxay sii eegayeen dadka ka horreeyay, oo iyaga in badan ka horreeyey. Waxayna ahaayeen kuwo aad u qaylinayey. “Wanaag,” ayeey dadka qaar si hoos ah u odhanayeen. “layaab,” ayeey dadka intiis kalena ay lahaayeen.
Yoonis Maskiin oo ah wiil jalaqsan oo firfircooni u dheer tahay, ayaa isku sii qaaday dadkii, markaasu dhaafay oo horyimid qofkii hor fadhiyey miiskii maktabadda, lagana galayey maktabaddii. “Maxay dadkani u arkaan wanaag iyo layaab?” ayuu waydiiyey ninkii hor fadhiyey miiska laabereeriga laga galo.
“hahahha!” aad buu ula yaabay ninkii laabereeriga ka shaqaynayey. “Fadlan hoos u dhig codkaaga.” Ninkii wuxuu kor u qaaday warqado badan oo ay qo- raallo ku qornaayeen, isaga oo dhigaya hortiisa, una dhigaya si ay naxariisi ku jirto. Waxa uu u soo jaleecsaday horay, isaga oo eegaya Yoonis, kuna eegaya muraayadahiisa indhaha. “Kuwani waa Guddiga Horumarinta Suugaanta.”
“Ma sidaasaa,” ayuu Yoonis yidhi, kuna yidhi cod yara hoose. Isaga oo kala bixinaya qoortiisa, si uu wax u arko, ayuu yidhi, “Waan jecelahay suugaanta aadka u sarraysa, laakiin meeday? Waan filayaa in ay tahay mid aad u yar.”
“Waxay ku xidhan tahay,” ayuu markiiba la soo booday shaqaalihii mak¬tabadda. “Dadka qaarkii waxay odhanayaan waa mid qaaliya. Tani waa qoraal qurux badan. Waa magac ‘Iska ilaali Duulista.'”
“Laakiin waxba ma’aan arko,” ayuu yidhi Yoonis, isaga oo bedelaya wajigi- isa, eegayana gidaarka cad ee ka korreeya halka laga soo galo.
“Waa sidaas. Miyeeynaan aad u sarayn? Ninkii maktabadda ka shaqay- nayay waxa uu eegay qolkii bannaanaa, isaga oo la moodo in uu riyoonayo. “Wax la mid ah ma jiraan niyadda bini aadamka iyo jihaadka noloshooda, taa- soo ku tusinaysa ogaanshaha qof waliba dareensan yahay marka la barbardhigo aqoonta aynu u leenahay jiritaanka dhabta ah ee uu sankuneefle og yahay lana xiriirta nolosha aadamaha. Cidna halkan diyaar uma aha in qof waliba uu gaaro awoodiisa uu ku soo bandhigayo fikirka maskaxdiisa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *