Tuduca 14aad

Danta Gaarka Ah
Yoonis waxa uu arkay dabaal dag ciyaareed oo xiisa geliyay dhamaan ciyaartooyda.

Cirkii baa waxaa narivey caad Yoonis Maskiin waxa 1111 istaagay iaranteen, qorraxdiina ay soo baxday. Dad aad iyo aad u badan ayaa xagiisa isku soo qaaday, halkii uu ka joogay faras magaalka, halkaas oo teendho ay ku taalay, kana dambaysay maktabadda. Xiisihii uu u qabay dhulkiisana waxa uu ku ilooway farxadda xafladdan ballaadhan awgeed.
Iyada oo ay cajibisay nalka, aragtidiisa dadka kale gedisan, iyo dhawaaqyada codka dheer, Yoonis waxa uu soo indha-indheeyey teendhadii cajiibka badnayd. Qoraal far qurux badani ku qoran tahay ayuu akhriyey: “CAASIMADDA DABAAL DEGGA: KAN DANTA GAARKA AH.”
Haweeneey xidhnayd dhar casaan iyo madoow leh ayaa mar qura ka soo dhexbaxday dadkii faras magaalka ku xoonsanaa, iyada oo ku qaylinaysa: “Maqla, maqla. Wanaaga nolosha awgeed, horay u soo socda, kuna soo socda Danta Gaarka Ah.” Waxay aragtay Yoonis, isagoo indhihiisu ay aad u foojig- naayeen, aadna u furnaayeen, kana muuqdeen layaab badan, ayeey soo qabatay gacantiisa. “Cid waliba guul bay joogtaa, inankaaga yaroow.”
“Immisa ayeey tahay qimaheedu? Ayuu waydiiyey Yoonis.
“Waxaad keentaa 10 shillin oo keliya, kadibna la tag shay aad u sarreeya!” ayeey ku jawaabtay. Haweeneeydii waxay ruxday kabaheeda dheeraa iyada oo u baaqaysa dadkii ku xoonsanaa faras magaalka. “Maqal, maqal. Danta Gaarka Ah waxay kaa dhigaysaa hantiile wayn!”
Isaga oo aan haysan lacag aad u badan, Yoonis waxa uu sugay intii hawee- neeydu ay mashquul ku noqonayso dadka kale, kadibna waxa uu ku soo waree- gay teendhada xaqeeda dambe. Wuxuuna bilaabay in uu iska qaado dhinacyada teendhada, si uu u galo gudaheeda. Waxa uu daawaday iyada oo dadka ku hog- gaaminaysa kuraastii dadka loogu tala galay, lana iska soo horjeediyey. Toban dadkii ka tirsanaa ayaa is tubay, iyaga oo ka dambeeyey kuraastooda. Nalalkii waa la yareeyey, durbaannadii ayaa bilaamay, mar qudha ayeey xafladii bi- laabatay. Halkii ugu wanaagsanayd waxaa ka soo baxay nin xidhnaa dhar isku joog ah oo midabkiisu yahay madoow iyo koofiyad xardhan. Hoos ayuu u dhigay isaga oo eegaya teendhada gudaheeda.
“Habeen wanaagsan,” ayuu yidhi ninkii. “Waxaan ahay siyaasi gaamuray! Caawa toban idinka mid ihi waxay yeelanayaan nasiib wanaagsan, waxay ku guulaysan doonaan ciyaartan heerka sare. Dhammaantiina waxaad ka tagi doontaa idinka oo ka faraxsan markii aad horay u soo gasheen. Fadlan fad- hiista.” Intaa markii uu yidhi, waxa uu ruxay gacmihiisa, isaga oo u tagaya cid walba oo ku dhex jirta gudaha. Waxa uuna ka soo qaaday qof walba hal shillin. Dayn ma jirto.
Ninkii wuu qoslay. Wuxuuna ku dhawaaqay, “Imminka waxaad arkaysaa
sida laguugu abaalgudo.” Islamarkiina waxa uu riday shan shillin, isaga oo ku tuuraya qof dadkii ka mid ahaa. Qofkii nasiibka badnaa kor ayuu u dhawaaqay, isaga oo kor u bood boodaya, farxad badanina ka muuqato.
“Ma tihid kan keliya ee guulaystay,” ayuu ku dhawaaqay ninkii. Taasina way dhacday. Toban jeer ninkii waxa uu isku sii qaaday bartamaha teendhada, isaga oo soo uruurinaya hal shillin, kana soo uruurinaya dadkii. Markasta oo uu ku noqdaba, waxa uu ridaa shan shillin, isaga oo ku tuuraya dhabta qof ka mid ah dadkii fadhiyey, isaga oo ay ka muuqatay farxad iyo reen reen.
Markii qayladdii istaagtay, dadkiina bilaabeen in ay iska tagaan, Yoonis waxa uu isku sii qaaday xaga hore ee teendhada, si uu u arko in cid waliba ay ku faraxsanayd iyo in kale. Haweeneeyda xidhnayd dharka cas iyo kan madoow ayaa haysay marada ku oodnayd albaabka teendhada. Kor bayna u haysaa maradii. Waxay joojisay mid ka mid ahaa dadkii, iyada oo waydiinaysa: “wakhti fiican ma qaadatay?”
“Dabcan!” ayuu ninkii yidhi, isaga oo ku dhawaaqaya. “Waxay ahayd mid aad u wacan!”
“Ma aan sugi karo si aan ugu sheego asxaabtayda,” ayuu mid kale yidhi. “Waxaa laga yaabaa in aan mar kale aan soo noqdo.”
Hadana mid kale oo faraxsan ayaa ku daray, “Haa, haa. Cid waliba waxay heshay 5 shillin!”
Yoonis waxa uu si gaar ah u eegayey kooxdii ilaa intii ay ka libdhayeen. Haweeneey xidhnayd dhar ku dhagan ayaa siyaasigii firfircoonaa ku soo jeesa- tay, kaasoo markaas dadka ku lahaa nabadgelyo, ayeey waxay tidhi, “Haa, waxaan nahay dad aad u faraxsan. Waxaanu helnay 50 shillin dhamaantayo waanu faraxsanahay! Waxaan rajaynaynaa sannadka dambe in aan waydiisan doono Golaha Guurtida in ay ansixiyaan sharci u oggolaanaya in cid waliba ay ciyaarto ciyaartan heerka sare ah!”

Muddo yar kadib nin cadhaysan ayaa xaga dambe Yoonis kaga yimid isaga oo qabsanaya garabka shaadhkiisa. “U kaadi, dibjiryahoow. Waan ku arkayey markii aad ka soo galaysay xaga dambe. Waxaad mooday in aad bilaash ku soo gali kartid, miyaad moodey?”
“Waan ka xumahey,” ayuu yidhi Yoonis, isaga oo isku dayaya in uu ka baxsado ninkii gacantiisa ka hayey. “Ma aan ogayn in lacag la bixinayo, si loo daawado. Haweeneeydaasna waxay iiga dhigtay in aan foojignaado – mana aan haysan wax lacag ah oo aan iskaga bixiyo, markaas…”
Haweeneeydii iyada oo ku soo jeesanaysa Yoonis, ayeey biloowday in ay qayliso, “wax lacag ah ma jirto?” Kadib, durbadiiba wajigeedii wuu isbede- lay waxayna biloowday in ay qososho. “Iska sii daa,” ayeey tidhi. “Waa wiil wanaagsan. Miyaad jeclaatay barnaamijkii, miyaad?
“Dabcan haa, hooyo!” ayuu Yoonis yidhi, isaga oo madaxiisa ruxaya.
“Waa hagaag, sidee baad ku doonaysaa in aad lacag ku shaqaysatid?” Ama waa sidan, codkeedii wuxuu isu bedelay mid laga baqo, “ama waxaan kuu gudbinayaa guddiga nabad gelyada.”
“Waa hagaag – taasi waa mid wanaagsan,” ayuu yidhi Yoonis, durbadiiba. “Maxaad iga doonaysaa in aan sameeyo?”
“Waa mid fudud,” ayeey ku jawaabtay, af macaan ayeey imminka biloow¬day. “Waxaad dhex socotaa teendhooyinka dhexdooda wakhtigu markuu yahay fiidkii, qaybi warqadahan, una sheeg dadka in ay wakhti fiican qaadan doon- aan. Kani waa hal shillin, mid kale waad shaqaysan doontaa, oo aad ka qaadan doontaa qof kasta hal shillin marka ay gudaha soo galaan, kaasoo sita warqadda aad siisay. Imminka orod oo wax soo samee, hana iga caraysiin.”
Markii uu bilaabay in uu warqadihii xambaarto, oo uu dhaqaaqo, ayeey tidhi, “waxaa kaloo jirta, marka barnaamijka caawa uu dhamaado, waxaan gudbinayaa warbixintaydii ee ku saabsanayd intii aad u shaqaysatay. Waxaana samaynayaa berito aroortii. Adiguna waa in aad ka bixisaa canshuur lacagta aad shaqaysatay.”
“Canshuur?” ayuu Yoonis ku celiyey. “Oo maxaan u bixinayaa?”
“Golaha Guurtidu waxay rabaan qaar ka mid ah lacagta aad shaqaysatay.”
Yoonis waxa uu ku daray, “Waxaan ku raja waynahey in aan aad u shaqayn lahaa haddii aan ogaa in aadan war bixin ka diyaariseen lacagta aan shaqaystay. Waxaa dhici lahayd in aan laba jibaar aan u shaqayn lahaa.”
“Golaha Guurtidu waa ay ka warhaysaa in dadku ay la dhuuntaan canshuur- tooda, waxayna leeyihiin dad u soo basaasa, si gaar ahna uga warhaya. Taasina waxay noqon kartaa dhibaato faro badan – waxaana dhici karta in ganacsiga nalaga xidho,” ayeey haweeneydii tidhi. “Markaa waxba ha ka cabanin. Waa in aan dhamaanteen ka mas’uul noqonaa dambiyadeena.”
“Dambiyadeena?” ayuu ku celiyey.
“Waa waree, haa heey. Canshuurtu waxay keentaa ciqaab. Canshuurta sigaarka laga qaado waxay ciqaabtaa kan caba sigaarka, canshuurta kham- riga laga qaadana waxay ciqaabtaa kan caba khamriga, canshuuridda lacagta dadku shaqaysto waxay ciqaabtaa dadka shaqeeya.” Haweeneeydii waxay ku soo tuuray gacanteedii, iyada oo leh, “Caafimaad wanaagsan iyo kala dambayn. Imminka iska tag, soco, wiilyahoow!”
“Sideen waxba u ahayn farshaxanku?”
Yoonis waxa uu ruxay madaxiisa, isaga oo la yaabay arrintan, ayuu waydi- iyey kuna yidhi cod aad daciif u ah, “sidaas daraadeed tani waa waxba? Sideen waxba ku ahayn farshaxan?”
“Waxa sababay taasi waxay tahay tan baabi’inaysa farshaxanka kana dhi- gaysa mid loo wada dhan yahay. Guddiga Horumarinta Farshaxanka waxay maamulaan bakhtiya nasiib, oo ay iyagu soo dooraan bakhtiya nasiibkan,” ayuu yidhi ninkii ka shaqaynayay maktabadda.
“Bakhtiya nasiib – si loo doorto farshaxanka?” ayuu Yoonis waydiiyey, isaga oo aad ula yaaban. “Maxaa sababay bakhtiya nasiibkan?”
“Guddi mar la doortay oo ka mid ah Golaha Fanka iyo Farshaxanka ayaa go’aamiyey,” ayuu ninkii ku jawaabay. “Markii ugu horaysay golaha waxaa lagu eedeeyey in ay iyagu dooranayaan dookhooda amaba kuwo asxaabtooda. Markii xigayna waxaa lagu eedeeyey faaf-reebid ku saabsan farshaxanka ay- naan jeclayn. Maadaama shicibku ay bixiyaan canshuuro, dadku waxay ka soo horjeesteen dadka aqoonta dheeraadka leh.”
“Ka waran haddii la sameeyo gole kale?” ayuu soo jeediyey Yoonis.
“Waa waree, haa heey, waanu isku daynay taas marar faro badan la sameeyo. Laakiin kuwa aan ku jirin golahan marnaba lama heshiin kuwa ku jira golahan. Sidaa daraadeed ugu dambayntii waa la iska dhaafay talladii oo dhan. Cid waliba waa ay ku raacday in bakhtiya nasiibku uu yahay habka keliya ee wax lagu xulo. Qofkastana waa uu ka soo qaybgali kartaa tartanka – cid waliba waa ay ka soo qaybgashay! Golaha Guurtida ayaa go’aamiyey waxa la helayo. ‘iska ilaali Dulimaadka’ ayaa ku guulaystay tartankii saaka.”
Yoonis ayaa soo dhexgalay, “laakiin maa loo oggolaado in cid waliba ay iib- sato farshaxanka, inta la canshuurayo dadka si ay u iibsadaan bakhtiya nasiib? Kadibna cid waliba waa ay ka dooran karaan waxay rabaan.”
“Maxay!” Ninkii ka shaqaynayay maktabaddii ayaa la soo booday. “Dadka qaar baan iibsanayn, waa kuwa iimaanka xune. Dadka kalena waxay leeyihiin dookh xun. Maya, Guurtidu waxay muujiyeen taageeradooda ay u hayaan fanka iyo farshaxanka!” Kuna soo noqo “iska ilaali Dulidda,” ninkii ka shaqay¬nayay maktabadda waxa uu is dhaafiyey labadiisa gacmood, waxaana ka muuq- day caro wajigiisa. “doorasho wacan, miyaadan ku raacsanayn? Madhnaashuhu sinama uma wanaagsana maktabadaha, waxayna ka dhigtaa albaabadiisa mid madhan. Haddii aan ku sii daro,” waa uu sii watay, “cidna kama soo hor- jeesan karto wanaaga farshaxanka ama sida hufan ee loo qoray. Mana ka soo horjeesanayso cidna – miyeey?”

aragtidaada nala wadaag...