Tuduca 15aad

Adeer Samta
Yoonis waxa uu soo ogaaday micnigga cusub ee dhaqankii hore.

Magaaladii waxay isu bedeshay mid xasiloon. Haweeneeydiina waxay siisay Yoonis in ka badan konton shillin ka qaybqaadashadiisii uu kaga qaybqaatay qaybintii warqadaha. Aad iyo aad bay ugu faraxday in ay aragto ruux aad iyo aad u jecel shaqada, kaasoo tixgelin dheeraad ah siiyey shaqadiisa. Tanina waxay sababtay in ay ka codsato in uu soo noqdo habeen dambe, si uu mar labaad u shaqeeyo. Yoonis wuu ku raacay in uu ku soo noqdo maalin kale haddii uu karo. Kadibna, waa uu iskaga tagay, si uu u raadsado meel uu si fiican u seexdo. Mana uusan garanayn wuxuu sameeyo. Sidaa daraadeed, waxa uu meermeeray bartamaha magaalada. Sidii uu u taagnaa gidaarka hoostiisa, waxaa ka horyimid Oday wayn – oo xidhan shaadh, kaasoo hor istaagay Yoonis Maskiin. Odayga wayni wuxuu mudh ka soo yidhi aqalkiisa oo u dhow aqalka dulsaaran waddada.
Yoonis, isaga oo xiisa gaara sii siinaya ayuu waydiiyey, “maxaad baadi- goobaysaa?”
“Aqalka korkiisa,” ayuu cod aad u hooseeya ku yidhi, isaga oo sii tilmaa- maya mugdiga. “Ma aad aragtaa ninka xidhan dharka cas, cad, iyo kan buluuga ah? Boorsadiisa waa ay sii buurnaanaysaa mar kasta uu booqdo aqal cusub.” Yoonis waxa uu eegay dhinacii uu ninku u tilmaamay. Waxaa uga muuqday aqallada qaarkood muuqaal si fiican loo arki karayn.
“Maxaa ugu wacan, runtii,” ayuu ku dhawaaqay. “Waan arkaa isaga. Max¬aad kor ugu qaylin la’dahay oo aad dadka ugu sheegi la’dahay cidda deggan?” “Hah, ma’aan samaynayo taas,” ayuu ninkii waynaa ku dhawaaqay.
“Adeer Samta waa mid caro badan dadkana ula xaajooda si aad u liidata iyo cidkasta oo uu la laxaajoodo.”
“Miyaad garanaysaa?” ayuu waydiiyeyYoonis. “Laakiin.”
“Shhhh! Aad ha u qaylin,” ayuu ninkii yidhi, isaga oo ku sii xoojinaya fartiisa bishimihiisa. “Adeer Samta waxa uu booqdaa dadka qaylada badan. Dadka badankiisu waxay iska dhigaan inay jiifaan, isagoo xitaa inta badan ku xadgudba xorriyadda shicibka, iskana soo gala aqalladooda.”
Isaga oo iskudayaya in uu is xakameeyo, Yoonis waxa uu isu badiyey dhinaca uu ninku ka xigay. “Ma’aan fahmin maxaa sababay in uu qof waliba uu xidho indhihiisa, mararka aqalladooda la soo galo?”
“Dadku waa ay aamuseen caawa oo ay taariikhdu tahay bishii Abriilyo,” ayuu ninkii waynaa ku sharaxay.
“Haddii kale waxay wax u dhimaysaa fasaxyadooda, oo wax yeelaysaa marka uu fasaxoodu uu u bilaamayo ee uu Adeer Samta uu ka soo noqdo alaabtiisa khaasatan tan caruurta yari ay jecel yihiin si uu u geeyo aqal walba.” “Hah,” ayuu yidhi Yoonis isaga oo yara faraxsan. “Markaa Adeer Samta dib ayuu u bixinayaa wax walba?”
“Maya! Laakiin dadka way jecel yihiin in ay u qaataan. Waxaan isku dayey in aan soo jeedo, si aan ula socdo waxa uu qaaday iyo waxa uu soo celiyey.
Waa mid aan ka helo, ayaad odhan kartaa. Xisaabtayduna, Adeer Samta inta badan isaga ayaa kaydsada, oo meel dhigta iyo isaga oo u kala qaybiya aqalo badan oo ay asxaabtiisu ay deggan tahay. Laakiin,” ayuu yidhi ninkii waynaa, isaga oo isku qabtay gacantiisa cadhana ka muuqatay, “Adeer Samta waa mid taxadar badan, oo cid walba in yar siiya, si uu uga farxiyo. Tanina waxay ka dhigtaa cid walba mid seexday ilaa iyo Bisha Abriilyo ee soo socota, marka uu soo noqdo, si uu u qaato wuxuu doonayo.”
“Ma aan fahmin,” ayuu Yoonis yidhi. “Maxay dadku u soo jeedi la’ yihiin, una sheegi la’ yihiin tuugga, oo ay u ilaashan la’ yihiin hantidooda? Kadibna ay u iibsan la’yihiin wax kasta oo ay doonayaan, oo ay u siiyaan cidkasta oo ay doonayaan”
Odaygii waynaa waxa uu ruxay madaxiisa, isaga oo la yaaban Yoonis fahmi la’aantiisa.
“Adeer Samta waxaa ku hamiya cid walba oo yar. Dhab ahaantii, waalidi- intuna waxay bareen caruurtooda in alaabta ay ku ciyaaraan oo ay si lama filaan ah ay samada uga timid, cidna aynaan waxba ugu fadhiyin.” Markii uu ka bogtay sidii xumayd ee uu u eegay Yoonis, ayuu ninkii waynaa yidhi, “Wax- aad u eg tahay in aadan faraxsanayn maanta. Bal gudaha soo gal oo dareen kulaylka, ninkaaga yaroow. Miyaad u baahan tahay meel aad seexatid caawa?” Yoonis waa uu soo dhaweeyey seexashadii lagu martiqaaday. Ninkii waynaa waxa uu baray Yoonis xaaskiisa, markiiba waxay Yoonis u keentay bakeeri ka buuxay jokolaad kulul iyo saxan ay ku jireen buskud, markiiba daalkii baa ka ba’ay, Yoonis waxa uu isku kala bixiyey kursigii ay qoyskani ay sameeyeen, kana sameeyeen buste iyo barkimo. Ninkii waynaana waxa uu sitay sigaarka baybka lagu cabo, isaga oo dib u fadhiisanaya, horay iyo gadaalna u ruxruxaya kursigiisa.
Markii uu si fiican u nastay Yoonis, waxa uu waydiiyey, “sidee bay dhaqan kani ku bilaamay?”
“Waxaanu horay u lahaan jirnay fasax loo yaqaanay ‘Ciid,’ waana wakhti aad u wanaagsan sannad walba. Waana fasax diimeed oo la isi siiyo hadiyado. Waa hagaag, cid waliba waa ay ka heshaa, oo waa ay jeceshay. Waxayna sababtay in Golaha Guurtida ay go’aamiyaan in ay tahay fasax aad iyo aad muhiim u ah. Waa ayna la wareegeen si ay u maamulaan.” Codkiisii baa sii yaraaday, wuxuuna muujiyey in uu ka xun yahay. “Marka hore, waxyaabaha la xiriira diinta waa in la mamnuucaa. Guurtidu si sharciyan ah ayeey ku bedeleen magacii fasaxa in uu noqdo ‘Ciid Wayn.’ Hadiyadihii dadku isa siin jireen magaceedii waxaa loo bedelay ‘Adeer Samta’ iyo in qofka canshuurta soo qaadaya uu xidho dhar gaar ah.”
Ninkii waynaa waa uu aamusay, si uu u liqo candhuuftiisa, una calaashado tubaakadiisa. Waa uu sii watay, “Ciida wayn canshuurteeda waa in imminka la gudbiyaa foomamkeeda waana in loo gudbiyaa xafiiska rajada wanaagsan. Xafiiska rajada wanaagsan ayaa go’aaminaya lacagta looga baahan yahay can- shuur bixiye kasta, waxaana la isticmaalayaa xisaab ay soo dejiyeen Guurtidu. Waxaad imminka indhahaaga ku aragtay canshuur bixintii Abriilyo.”
“Marka xiga waxaa iminaya xafiiska anshi-xumada iyo wanaagga, kaasoo ay u shaqeeyaan dad aad u fara badan, oo wax xisaabiya, waxna baadha, si ay u imtixaamaan kuwa mudan in ay helaan hadiyad bisha Diseembar.”
“Ugu dambayntii Gudoomiyaha saxa hadiyadda inta ay la’aan karayso, midabkeeda iyo sida ay u ekaan karto ayaa go’aamiya hadiyadda dadka la si- inayo wuxuuna bixiyaa cida la siinayo inay dhisaan warshado haddii ay aamin- san yihiin, ayna taageersan yihiin siyaasada Golaha Guurtida. Cid waliba, iyada oo aan la takoorin, inay helaan inta ay dawladdu u qoondaysay oo ay ku sharxi karaan aqalladooda. Habeenka ‘Ciida’, dadka oo dhan ayaa la isugu yeedhaa, si ay u qaadaan heesaha xafladan ku habboon.”
Ilaa hadda, halgamahan yar ee daalan, markiiba wuu gam’ay. Odaygii waynaa waxa uu kor ugu qaaday bustihii, oo uu korkiisa ku daday. Isaga iyo xaaskiisa waxay cod aad u yar ugu sheegeen Yoonis, oo ay ku yidhaahdeen, “Ciid Wanaagsan!”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *