Tuduca 16aad

Diin iyo Bakayle Dib loo booqday
Ayeeyadii sheekadeedu aan sidaas caanka u ahayn.

Yoonis waxa uu maskaxdiisa ka saari la’ yahay haweeneeydii u ahayd madaxa xafladaha dadka danta gaarka ah ku shirkoobay. Waxayna siin jirtay lacag, hadana waa ay ka qaadataa islamarkiiba. Hadana, markasta iyo had iyo jeer gacanta ayeey u gelisaa, misna waa ay ka dhufsataa. Durbadiiba, Yoonis Maskiin waxa uu la soo toosay amakaab iyo layaab, isaga oo xusuustay in laga doonayo in uu canshuur ka bixiyo lacagtii uu shaqaystay.
Odayga wayn waxa uu kala jar jarayey roodhi, isaga oo ka dhigdhigayey qayb qayb aad u yar yar, doonayeyna in uu u isticmaalo guraac ahaan, markii gabadha yar ee caatada ahi ay si farxadi ku dheehan tahay u soo gashay qolkii. Odaygii waynaa waxa uu u sheegay Yoonis in ay tahay gabadhii uu awoowga u ahaa, oo uu yidhi magaceedanna waxa la yiraahdaa, Ladan, taasoo booqasho gaaban ugu timid, joogina doonta dhawr cisho. Markiiba Yoonis quraacdiisii ayuu wax ka siiyey gabadhii yarayd. Gabadhii yaraydna farxad bay la bood- booday, iyada oo isku dayeeysa in ay kor u qaado iskaalshaheeda. “Awoowe, fadlan ii akhri sheekaddii mar kale,” ayeey ka codsatay.
“Kee, awoowe?”
“Tii aan sida gaarka u jeclaa, tii diin diinka iyo bakaylaha. Sawirradu aad bay u qurux badnaayeen,” ayeey Ladan tidhi.
“Waa wanaagsan, taasina waa hagaag,” ayeey tidhi ayeeyadeed, iyada oo soo qaadaysa buug armaajada jikada dhexdeeda yaalay, oo ay sideedaba ay si fudud ku gaadhi karto. Waxay soo agfadhiisatay gabadhii yarayd, Ladan, iyada oo ku biloowday, “Beribbaa waxaa jiray.,”
“Maya, maya, ayeeyo, ‘wakhti aad u fog.,” ayeey gabadhii la soo booday. Ayeeyadeed waa ay iska qososhay, oo ay sii wadatay. “Wakhti aad u dheer, oo fog, waxaa jiray diin diin la odhan jiray Raage iyo bakayle la odhan jiray Wardheere. Waxay ahaayeen kuwo warqadaha dadka qaybiya, oo ka baayac mushtara, oo xayawaanka kale warqadaha ugu geeya aqalladooda. Maalin maalmaha ka mid ah, Raage, oo sidiisaba dhagahiisu ay ka xoog badan yi- hiin lugahiisa ayaa waxa uu maqlay deriskiisa oo ammaanaya Wardheere, kuna ammaanaya in uu yahay mid markiiba is deg deg ah warqadaha u qaybiya. Wuxuuna ku qaybin karaa wakhti aad u yar halka kuwa kale ay ku qaadato maalmo. Isaga oo Raage dhuuxaya arrintan ayuu u soo dhawaaday, kana qay- bgalaya sheekadooda.
“Bakayle,” ayaa yidhi Raage waa mid aad u gaabiya. ‘Todobaad keliya ayaan waxaan ku heli karaa dad aad u faro badan. Waxaana ahey qof sumcad leh, oo ay macaamishayduna ay i qadariyaan.’
“Wardheere waxa uu bilaabay tartan. ‘sharaftaada? Haa heey! Waxa dadku ay ku fikiraan ma’aha waxaad ku tashan kartid,’ Bakaylihii waa uu soo jeestay, ‘si kastaba ha ahaatee, waan kula tartamayaa!’
Deriskii oo dhami waxay yiraahdeen diin diinka gaabiya ma’aha mid tar- tami kara. Hadana, si ay u caddeeyaan dhammaantood waxay ku heshiiy-
een in ay iyaga noqdaa guddigii go’aamin lahayd cidda tartankan ku guu- laysata todobaadkan. Isla markiiba Wardheere wuxuu u diyaar garoobay tar- tankii, halka Raage uu wali iska fadhiistay, oo uu iska fadhiyey wakhti aad u dheer. Markii ugu dambaysaynna waa uu soo jeestay, isaga oo ka sii dhaqaaqay goobtii.
“Wardheere waxa uu markiiba meel walba ku dhejiyey ogaysiis oo uu ku leeyahay waxaan dhimayaa qiimaha xitaa in ka badan badh – in ka sii yar inta Raage uu ku iibiyo. Warqado qaybintu waxay noqonaysaa maalintii labo jeer imminka wixii ka dambeeya, xitaa sabtida, axada iyo maalmaha fasaxa. Isla markiiba bakaylihii waxa uu isku sii qaaday xaafadihii oo dhan, isaga oo riixaya gambaleelka aqal kasta, markiiba waxaa farta laga saaray warqadihii laga iibsaday tigidhadoodii iyo alaabo kale, xitaa waa uu miisaamayey, isaga oo xitaa xidh xidhayey markiiba. Lacag aad u yar ayuu ku ballan qaaday in ay bixindoonaan mar walba maalin kasta ama habeen walba. Waxa uu intaa ku darsaday isaga oo tusaya daacadnimo, waji furran, oo uusan wax lacag ah ku iibinayn. In uu noqon doono mid shaqadiisu dheelitiran, wax abuurid badan, iyo isaga oo ah mid si wacan idiinku soo dhawaynaya. Bakaylihii markiiba macaamiishiisii ayaa sii badatay, oo korodhay.
“Cid wali aragtay diin diinkiina ma jirto. Dhammaadkii todobaadka, xoogaa guul ayaa u soo hoyatay, Wardheere, markaasuu isku sii qaaday deriskiisa, si uu ula kulmo, kalana hadlo tartankoodii. Aad buu u yaabay markii uu arkay diin diinkii oo ka soo hormaray, oo sugaya. ‘Iga raali ahow, Wardheere,’ ayuu yidhi diin diinkii, isaga oo ku leh cod aad daciif u ah. ‘ Intii aad ku sii cararaysay aqallada xaafaddeena, waxaan keliya oo aan awooday in aan warqaddan ciddi lahayd aan u geeyo.’ Raage waxa uu Wardheere u dhiibay warqad iyo qalin, isaga oo ku daraya, ‘Fadlan saxiix halkan.’
“‘Kani waa maxay?’ ayuu Wardheere waydiiyey.
“‘Boqorkeenna ayaa ii magacaabay aniga oo ah diin diin in aan noqdo madaxa Boostooyinka Guud, wuxuuna ii oggolaaday in aan anigu ka ganacsado warqadaha qaybintooda wadanka oo dhan. Waan ka xumahey bakayle, laakiin waa in aad joojisaa warqado qaybintaada.’
“‘Laakiin taasi ma suurto geli karto!’ ayuu yidhi Wardheere, isaga oo dhulka la dhacaya cagahiisa caro awgeed. ‘Tani caddaalad ma’aha!’
“‘ Tani waa waxa uu boqorku yidhi,” ayuu diin diinkii ku jawaabay. ‘Ma’aha caddaalad in dadkiisu qaarna ay helaan shaqo wacan, qaarka kalena aynaan helin. Markaa aniga ayuu si gaar ah ii siiyey awood ganacsi oo ballaadhan, si cid waliba ay u hesho shaqo isku mid ah.’
“Aad iyo aad buu u cadhooday Wardheere isaga oo ku leh diin diinkii, ‘sidee buu tan kaaga oggolaaday? Maxaad u oggolaatay?’
“Diin diinkii si fudud kuma uu qoslin, laakiin waxa uu maamulay in uu in yar kala qaado afkiisa. ‘Waxaan boqorka u oggolaaday in uu warqadahiisa oo dhan uu lacag la’aan ku dirsan doono. Dabcan, waxaan kaloo xusuusiyey in uu ka war heli doono wax yaabaha dadka kale qoreen, sida kuwa ay qoreen dadka mucaaradka ah, oo ay warqaduhu ku jiraan gacmo la isku hubo, oo daacad kuu ah. Haddii ay warqaddi iga lunto, oo ay igaga lunto halkan iyo halkaas, waa hagaag waa kuma cidda soo dacwoonaysa?’
“‘Laakiin inta badan waxaad lumisaa lacag marka aad warqadaha aad qay- binayso!’ ayuu yidhi bakaylihii.
‘Waa kuma cidda bixinaysa taas?’
“‘Boqorku waxa uu samaynayaa qiimaha si aan macaash fiican aan u sameeyo.
Haddii dadku ay joojiyaan in ay dirsadaan warqadaha canshuurta ayaan ka helayaa qasaarahayga. Muddo ka dibna cidiba ma xusuusan doonto in aan lahaa cid ila tartanta.’ Ayeeyo waxay eegtay kor, iyada oo ku daraysa, waa ‘DHAMMAAD.’
“Waa maxay u jeedadda sheekada,” ay ayeeyo akhrisay,” Taas micnaheedu miyaa mar kasta oo aad la ku lantid dhibaato, waxaad u yeedhanaysaa dawladda.”
Gabadhii yarayd, Ladan ayaa ku celisay, “Taas micnaheedu miyaa mar kasta oo aad la kulantid dhibaato waxaad u yeedhanaysaa dawladda. Ayeeyo tan waan xusuusan doonaa.”
“Maya, ayeeyo, taasi waa ta keliya ee buuggu leeyahay. Waxaa habboon in aad baadigoobtid sida wanaagsan ee ay tahay.”
“Ayeeyo?”
“Hee, ayeeyo?”
“Xayawaanku ma hadli karaan?”
“Kuma hadli karaan luuqadeena, ayeeyo. Sheekadani waa sheeko baralleey, aan run ahayn ama sheekoxariir.”
Yoonis waxa uu dhamaystay raashinkiisa, isaga oo mahad u celinaya reerka, sida wacan ee ay u soo dhaweeyeen. “Waxaad u qaadataa in aan nahey awoow- gaa iyo ayeeyadaa oo kale, haddii aad waligaa aad wax u baahato,” ayuu yidhi odaygii, isaga oo tusaya Yoonis albaabka. Dhamaantood waxay u soo baxeen banaanka si ay u macsalaameeyaan Yoonis Maskiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *