Tuduca 18aad

“Waxaad Isiisaa Waxaad Soo Dhaaftay Ama Mustaqbalkaaga!”
Tuug ayaa ka xaday Yoonis lacagtiisii waxa uuna ugu deeqay talo.

XARUNTA Golaha Guurtida waxay ku taalaa waddada ku beegan biyaasada. Yoonis Maskiin wuxuu is yidhi qaado waddada ugu dhow, wadiiqo yar oo ay xidheen baakadooyin iyo qashin fara badan. Horay ayuu u sii socday isaga oo isku dayaya in uu is iloowsiiyo dareen aan sidaas u sii fiicnayn markii uu iskaga tegay waddadii dadku ay ku xoon sanaayeen.
Markiiba Yoonis Maskiin waxa uu dareemay gacan dhuuntiisa haysa iyo qori lagaga hayo feedhihiisa.
“Ii sheeg taariikhdaada ama mustaqbalkaaga!”
“Maxay?”ayuu Yoonis yidhi, isaga oo baqaya. “Maxaad uga jeedaa?”
“Waad imaqashay – lacagtaada ama naftaadda,” ayuu tuugii ku celiyey, isaga oo qorigii ku sii riixaya. Yoonis wax kale oo uu sameeyo ayuu garan waayey markaasuu markiiba waxa uu soo qabtay boorsadiisa oo ay ku jireen lacagtii uu soo shaqaystay – lacagtiisa.
“Intani waa inta aan haysto iyo aniga oo layga baahan yahay in aan badh ahaan aan ku bixiyo canshuur,” ayuu Yoonis ku baryootamay, isaga oo si tax- adar dheeri ku jiro ku qarinaya wax-xoogaagii roodhida ahayd oo ay ayeeyo soo siisay. “Fadlan badh aniga iiga tag.”
Tuuggii waa uu u dabciyey Yoonis. Mana uu arki karayn wajigiisa uu garinayay, wuxuuna ku garinayay koofiyadiisa uu markaas xidhnaa. Cod aad u hooseeya oo aan naxariis lahayn ayuu ku yidhi, isaga oo qoslaya. “Haddii aad kala qaybinaysid lacagtaada, waxaa habboon in aad gabi ahaan aad bixisid, oo aadan waxba siin canshuur qaadaha.”
“Sababtu waa maxay?” ayuu waydiiyay, isaga oo lacagta gacmahiisa u sii gelinaya. “Haddii aad lacagta aad aniga i siiso,” ayuu yidhi tuugii, isaga oo lacagtii sii gashanaya jeebkiisa, “kadibna anigu waan iska tagayaa, oo ammaan baan ku siinayaa. Laakiin, inta aad ka dhimanayso, canshuur qaaduhu wuxuu kaa qaadanayaa lacagtaada, wixii aad shaqaysatay, wuxuuna isku dayayaa in uu xakameeyo wax kasta oo ku saabsan nolosha mustaqbalkaaga. Waxa uu si fudud u isticmaalayaa lacagta aad sannad shaqaysatay maalin keliya!”
Yoonis waa fajacay. “Laakiin miyeen Golaha Guurtidu aynaan samayn waxyaabo badan oo dadka u fiican, iyada oo isticmaalaysa lacagta ay dadka ka soo uruurisay?”
“Dabcan,” ayuu yidhi. “Dadka qaar baa noqday hantiile. Laakiin, haddii bixinta canshuuruhu ay fiican tahay, muxuu uusan canshuur uruuriyuhu uu adiga kaaga dhaadhicin la’yahay faa’iidadaada, oo uusan kuugu ogolayn in aad adigu iskaa u bixisid?”
Yoonis wuxuu is yidhi. “Mindhaa qancintu waxay qaadanaysaa wakhti iyo shaqo aad u badan?”
“Sax,” ayuu yidhi tuugii “taasina waa arrin dhib badan. Wakhti badan in-
aguma qaadanayso qoriga!” ayuu kaga yaabiyay Yoonis, isaga oo is kor saaraya labadiisa gacmood. “Halkaas waxaan qabaa in aadan u tagi karayn canshuur qaadaha markiiba. Laakiin, waxaad igu kordhisay fikrad cusub.”
Wuxuu ag fadhiistay Yoonis oo aan dhaqaaqi karayn. “Waad la socotaa, soo ma ogid?” ayuu yidhi tuugii. “Siyaasaddu waa arrin isbedel leh. Dadka badankoodu waxay ku fikiraan inay tahay caadi, in been la sheego, in wax la xado, ama in wax la dilo. Ma’aha daris wanaag – haddii aysan siyaasiyiintu samayn arrimo la halmaama dhaqan xumo. Haa, siyaasaddu waxay suurta ge- lisaa, dadka inoogu wanaagsan in ay been sheegaan, oo wax xadaan, xitaa inay mararka qaarkood wax dilaan mararka qaarkood. Iyo iyaga oo wali dareemi karaya inay sameeyaan wax wanaagsan.”
Si in la moodo in uu shaxdhigayo ayuu tuugii soo jeediyay.
“Waxaan u baahanahay in yar oo dambi dhaaf ah in aan iskaga tirtiro dambiyadeena – Iyo in aan isku dayo.” Waa uu isku yaryaraaday, hadana, waa uu yara fikiray wakhti yar.
“Waxaan u malaynayaa in aan soo booqan doono haweeneey marwo Ashkira.” Wuxuu ruxay lugtiisa, isaga oo iskaga tagaya tuugii. Yoonis Maskiin waa uu sii eegayay ilaa uu tuugii ka sii libdhayay.
Waddaduna waxay ahayd mid buuq yar. Yoonis waxa uu ka sii fikiray waxii uu tuugu uu ku yidhi, isaga oo la xarbiyaya koodhkii lagu xidhay. Wakhtigan xaadirka waxa uu yahay caawimo la’aan, haddii uusan cidi u soo gurman. “’Ii Sheeg taariikhdaada ama mustaqbalkaaga!’ Muxuu uga jeeday? Waan gartay!” ayuu yidhi Yoonis, isaga oo is gedgedinaya.
“Lacagtayda, hantidayda waa qayb ka mid ah taariikhdayda – waa mid ku saabsan noloshaydii. Haddii uu qaatay lacagtaydda, waa in aan shaqaddii aan dib u qabtaa mar kale si aan u shaqaysto mar labaad. Haddii uu i dilli lahaa taasi micnaheedu waxay tahay nololi ma jirto, mustaqbalna ma jiro. Inkastoo uu i xidhxidhay, igana qaaday xorriyadaydda, iyo xornimadayda!”
Yoonis waxa uu iswaydiiyay askarigii ka tirsanaa ciidamada nabadda ee uu horay ula kulmay maalin ka hor.
“Meeyay ninkaasi marka aan u baahnahay!”
Fikradda ah in uu mar labaad dib ugu noqdo carwadii uu horay uga soo shaqaystay si uu u soo shaqaysto lacag mar labaad ayaa ka cadhaysiisay Yoonis haddii uu soo shagaystana lacagtiisa waa in uu dhigtaa markan, waxa uu ku fikiray in uu canshuur qaaduhu uu ku leeyahay wax lacag ah! “Sidaadaraadeed nolosha, xorriyadda, iyo hantida dhamaantood waxay ka mid yihiin jiritaankayga, waxa keliya oo kala gedisan waa wakhtiga – mustqabalka, wakhtiga xaadirka ah, iyo kan la soo dhaafay, tuugaasina wuxuu cabsi badan geliyay qaybta iigu muhiimsan xaqayga, si uu u hello qaybta ugu sahlan, una hantiyo lacagta aan anigu soo shaqaystay!”
Markiiba galuus mid ka mid ah galuusyada koodhkiisa ayaa furmay. “Xan uun badanaa!”
Yoonis wuxuu joojiyay wax walba oo uu samaynayay, isaga oo u kaadinaya xoogaa, kana fikiraya arrimahiisa isku qoofilan. Wuxuu is yidhi, “ma’aan ogayn sida ay u wanaagsan tahay in aad xor tahay – Ilaa iyo hadda ka horoow.”

aragtidaada nala wadaag...