Tuduca 19aad

Dawladaha Iyo Suuqa Ganacsiga
Caanooleey ka sheekaynaya ka qayb qaadashada xulashada dawladda.

Yoonis Maskiin waa uu iska ilooway in uu is xoreeyo markii uu maqlay cod daciif ah, kana imanaya dhamaadka waddada. “Moo-o-o,” cod hoose oo lo’eed. Koortii qoorteeda ku xidhnayd waxay ku dhawaaqday cod gaaban, haddana iyada oo sii soconaysa. Markiiba waxaan soo maray sac kale oo ka yimid wadiiqada kale, waxaana mudh ka soo yidhi oday wayn.
“Halkan kaalay, sacyahoow nacaska ah,” ayuu ku heesay xoole ilaaliyihii.
Yoonis wuxuu ruxay garabkiisa, wuxuuna ku soo dhawaaday si uu uga qaado baako agtiisa taalay markii hore. Odaygii waynaa wuxuu soo durdurk- aba.
“Yaa halkaas jooga?” Isaga oo arkaya Yoonis, wuxuuna u soo jeestay dhinici- isa si uu uga jaro xadhiga.
Yoonis wuu farxay. “Waa la i xaday. I caawi si aan xadhiga uga baxo!”
Odaygii waynaa wuxuu jeebkiisa ka soo saaray mindi si uu Yoonis xadhiga uga jaro. “Waad mahadsan tahay, mudane,” ayuu yidhi Yoonis, isaga oo xoq xoqanaya gacmihiisa yara xanuunaya, si ay xiiso gaar ah ay ku jirto ayuu Odaygii sheekadii ugu sheegay.
“Koow,” ayuu yidhi Odaygii waynaa, isaga oo ruxaya madaxiisa. “Waa in aad iska ilaalisaa cid walba maal mahan dambe. Ma’aan imaadeen magaalada haddii aan filayn in aan ka helaayo macaawino dawlada.”
“Ma u malaynaysaa in dawladu ay i siin doonto lacagtii la iga xaday?” ayuu waydiiyay Yoonis.
“Ma’aan hubo, laakiin waa isku dayi karaysaa. Dabcan waxaa dhici karaysa in nasiibkaagu ka wanaagsanaan karayo kayga,” ayuu ku soo jawaabay Odaygii reer miyiga ahaa. Wajigiisuna wuxuu u ekaa qof aad iyo aad u wayn. Wuxuuna xidhnaa dhar iyo kabo duug ah.
Yoonis wuxuu dareemay soo dhawayn markii uu arkay sida tooska ah ee uu ula hadlay.
“Waa maxay dawlada iyo suuqa ganacsiga? Ma tahay meel xoolaha lagu iibiyo?” ayuu Yoonis waydiiyay Odaygii waynaa, oo uu isku yaraaday “taasina waa midda aan u immi in aan ogaado,” ayuu yidhi xoola dhaqatadii. “Waxay kaloo tahay carwo kale gedisan oo kale. Sartu waxay ka qurux badan tahay Bangi, kana wayn wax kasta oo aan horay u arkay. Gudahana waxaa ku jira shaqaale badan oo dawlada u haya shaqooyin kala nooc ah, kuwaasoo loogu talagalay in ay wax ka qabtaa arrimaha wadaniyiinta.”
“Koow” ayuu yidhi Yoonis. “Dawlad noocma ah ayeey doonayaan in ay dadka ka iibiyaan? Ninkii xoola dhaqatada ahaa wuxuu xoqday qoortiisa, isaga oo leh, “Halkaas waxaa jooga nin isigu yeedha ‘hanti wadaag’ wuxuu sheegay dawladan saca kale in ay iga qaadayso sacayga si ay u siiso saca kale deriskayga. Wax dan ah oo aan ka leeyahay ma’ay jirto. Uma aan baahni dawlad sacayga siisa deriskayga-mar hadaan anigu u baahnahay sacayga.”
“Markaas waxaa jiray mid ‘hantiwadaaga’ ah kaasoo xidhnaa kabo waa wayn. Wuxuu ahaa mid furfuran iyo isaga oo salaan gacmahayga kala daalay, kuna dheehan tahay saaxiibtinimo sare, odhanayana sida uu uga fikirayo dana- hayga iyo wanaagayga. Aad buu u wanaagsanaa intii uusan igu odhan dawladi- isu waxay qaadanaysaa labadayda sac. Wuxuu ku andacooday inay caddaalad tahay maxaa yeelay, cid walba ayaa lahaanaysa lo’daada iyo isaga oo i siin doona xoogaa caana ah marka uu u maleeyo in aan u baahnahay. Iyo isaga oo ku andacooday in aan ku heesi doono heesaha xisbiga.”
“Taasina waxaan filayaa inay tahay hees!” ayuu Yoonis yidhi.
“Wax tixgellin ah oo aan u hayey ma’ay jirin maalintaas kadib. Waxaana ogaaday in uu isagu qaadanayo wax walba. Kadib waxaan meermeerayey xafi- isyada dhexdooda, markaasaan waxaa la kulmay ‘fashiiste’” Odaygii waynaa waa uu aamusay si uu saciisa wasakhda lugta ka gashay uga saaro.
“Kan fashiistaha ah wuxuu ahaa mid af macaan, oo fikrado wanaagsan heli ogaa, oo wuxuu la mid ahaa kuwii kale. Wuxuu yidhi, “wuxuu iga qaadanayaa labadayda sac, wuxuuna iga iibinayaa qayb ka mid ah caanaheeda.” Waxaan idhi, “‘maxay?’ In aan lacag kugu siiyo caanaha sacaaga?”
Kadibna waa uu ii hanjabay, isaga oo leh waa ku tooganayaa, haddii aan salaamin calankiisa saxa ah hadda iyo mar walba.”
“Koow” ayuu yidhi Yoonis.
“Waxaan hubaa in aad goobtaa aad iskaga soo carartay.”
“Markii hore waan qaadi karayay lugtayda, kuwan halkan ‘shaqaalaha’ ayaa ila hadlay, oo igu yidhi dawladani waxay rabtaa inay iga qaaddo lo’dayda, mid ay dilaan si ay u dhellitiraan tirada caanaha, si ay haddii ay doonaan ay caanaha qaar u dhimaan. Hadda nacaskee baa arrintaas raaci kara, oo samayn kara arrintan oo kale?”
“Waxay u eg tahay cajiib,” ayuu yidhi Yoonis, isaga oo ruxaya madaxiisa “ma go’aansatay dawladii aad qaadan lahayd?”
“Uma aan malaynayo aniga wakhtigaa,” ayuu ninkii xoola dhaqatada ahaa yidhi.
“Yaa u baahan? Intii ay dawladii maamuli lahayd arrimahayga, waxaan go’aan saday in aan lo’dayda geeyo suuqa lo’da halkaas oo aan iska iibin karo, oo aan ku soo iibsan karo dibi.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *