Tuduca 21aad

Soosaaridda Kabaha Dusha Ka Xiran-Buudhka
Shaqaale dawladeed oo qabtay shir isgaarsiineed soona bandhigay barnaamijka cusub ee kabaha.

ANI waxa uu yahay kursigii awoodda,” ayuu yidhi Yoonis Maskiin, is- aga oo naftiisa la hadlaya, oo misna la yaabban quruxda aqallada sida wacan loo xardhay ee hadda sida wanaagsan loo dhisay. “Maxaa yee- lay, lacag faro badan ayaa kaga baxday dhisiddoodii in ay dhisaan aqalladan!”
Albaab aad iyo aad u wayn oo midab qurux badan ayaa si aad ah u fu- ran; Yoonis Maskiin waa uu arkaa golaha mada-daallada dadku ay buuxsheen. Dadkuna ay tuban yihiin meel walba, horay iyo gadaal; Yoonis Maskiin si fiican buu wax kasta u arkaa. Koox qaylo iyo saxan badan, oo isugu jirta dumar iyo rag, oo xidhnaa dhar si aad u sarraysa loo tolay, oo misna afuufayey sigaar kiisa ugu qaalisan, uguna tayada badan ayaa dadka intiisa kale ka muuqday. Waa ay iska sii wateen sigaar cabistoodii iyo iyaga oo dadka intiisa kale ee isugu soo baxay golaha murtida iyo mada-daallada ku afuufayey sigaar.
Yoonis waa uu soo dhawaaday. Wuxuuna u soo dhawaaday nin ka mid ahaa dadkii isugu soo baxay golaha murtida iyo mada-daallada oo gacmihiisa, tan bidix qalin ku haystay, tiisa midigna xaanshiyo ku sitay, ayaa ku qayliyey dadkii kale, “Mudane, kii qiimaha iyo qaayaha badnaayoow oday Wadacas, mudane, ma runbaa in aad hadda aad qalinka ku duugteen in aad lacag siisaa kabo soo saarayaasha in aysan kabo soo saarin?”
“ah-h-h. Haa, waa mid dhab ah, oo la hubo in ay run tahay,” ayuu oday Wadacas ku jawaabay, isaga oo si wacan oo xarako ku jirto madaxa u ruxaya. Wuxuuna u hadlayey si jiljileec ka muuqdo, waxaana la moodayey in uu jiifo.
“Tani miyeen ahayn arrin aan horay loo arag, oo samaynaysa dhaqan cusub oo aan horay loo aqoon?” ayuu ninkii waydiiyay, isaga oo si diidmo ah ka muuqato u ruxaya madaxiisa.
Odayga weyni inta badan ma ruxo madixiisa, “uh, haa, tani waa arrin cusub.”
Haweeneey u istaagtay in ay waydiiso su’aasha koowaad ayaa hadalkiisa ka soo dhexgashay intii uusan dhamaysan hadalkiisii, “tani ma markii ugu
horaysay ee taariikhda Booliqaran in kabo sameeyayaasha la siiyo lacag aysan shaqaysan?”
“Haa,” ayuu yidhi Wadacas, waxaan aaminsanahay in ay taasi tahay mid sax ah.”
Qof ayaa xagga dambe ka qayliyey, “Miyeey kula tahay in barnaamijkani uu kor u qaadayo qiimaha kabaha sida – kabo, buudh, dacas iyo wixii la mid ah?”
“Hah, haa hagaag – ma ku soo celin kartaa su’aashaada?”
Cod kale ayaa kor u dhawaaqay, “Kor ma u qaadaysaa lacagta kabaha lagu iibsado?”
“Haa, kor ayeey u qaadaysaa dhaqaalaha kaba sameeyayaasha,” ayuu ku jawaabay mudanihii mudnaanta weyn lahaa, si xoog ku jirana isu ruxay. “Waanu
ku raja waynahay in aanu samayno wax kasta oo aanu ku taageeri karayno kaba sameeyayaasha.”
Yoonis waxaa la xusuusiyey haweenaydii laga saaray beerteedii ay carru- urteedu kula noolaayeen. Nasiibdarro, waa uu soo xasuustay, “intee bay ku iibsan doontaa kabo imminka iyo wixii ka dambeeya!”
Kadibna qof gaaban oo dadka badankiisu uusan arag, ayaa qayliyey, isaga oo taagan safka hore, “ma sheegi kartaa waxa uu ahaan doono barnaamijkaaga sannadka soo socda?”
Wadacas hadalkiibaa ku adkaaday, “wah, hmm, maxaad tidhi?” “Barnaamijkaaga. Muxuu yahay qorshahaaga sannadka soo socda?” ayuu ku waydiiyey cod aan ixtiraam ku jirin.
“Dabcan,” ayuu yidhi kii qiimaha iyo mudnaanta badnaayoow, isaga oo sii cabaya sigaarkiisa si deg deg waalani ku jirto. “uh, wah, huh. Wah. Hagaag, waxaan aaminsanahay, ayna habboon tahay in aan wakhtigan qaaliga ah aan idiinku soo bandhigo war saxaafadeedkan in aan idiin sheego in aan damac- sanahay in aanu qof kasta oo ku nool jasiiradda Booliqaran in uusan waxba soo saarin, maxaa yeelay, annaga ayaa lacagtooda siin doona.”
“Ma runbaa in aad hadda aad saxiixday sharci cusub?”
Dadkii oo dhan ayaa hadalkii ka soo bixi waayey, dadkoo dhan. “Cid walba?” “Ma aha kaftan?” “Wow, waxaa ku bixi doona lacag aad u faro badan.” “Laakiin ma shaqayn doontaa?”
“Shaqayn” ayuu yidhi Oday Wadacas, isaga oo si cajiib ah isu ruxruxaya. “Ma ka joojin doontaa dadka in ay wax soo saaraan?”
“Waxaanu horay u samaynay mashruuc tijaabo ah oo ay samaysay ururkayagu wakhti aad u dheer,” ayuu yidhi Odaygii, kuna yidhi cod faan weyni ka muuqdo. “Intaas oo dhan, xilligaas dheerna waxba ma’aanu soo saarin.”
Islamarkaasna, qof ayaa dhabarka Oday Wadacas kaga yimid, oo markiiba sheegay in ay intaas ku eg tahay war saxaafadeedkii Oday Wadacas oo uu dhammaaday. Koox badan oo wariyeyaal ah ayaa mid mid iskaga dhexbaxay dadkii joogay golaha murtida iyo mada-daallada. Yoonis oo markiiba dareemay in uusan u muuqan Wadacas si cidi ula baxsatay oo kale. Aqalkiina nalkii baa loo damiyay, Wadacasna waa uu iska tagay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *