Tuduca 22aad

Sacab Garaacayaasha
Qabanqaabiye ayaa waraysanaya madaxa doorashada iyo hogaamiye xisbi siyaasadeed.

Halkii ay dadku ku xoonsanaayeen ayaa nal lagu ifiyey, dadkiina waxay billaabeen in ay dhawaaqaan. Qof ayaa billaabay sacab tumid, dadka intiisa kalena waa ay ku soo biireen. Qolkii ayaa waxaa ku soo kordhay dad faro badan. Ugu dambayntiina waxaa dadkii soo hor istaagay mid leh timo dhaldhalaalaya. Wuxuuna xidhnaa koodh la moodo in uu ka weyn yahay. Waana nin qosol badan, Yoonis Maskiin isagoo kale horay uma uusan arag. Ninkii dadkii buu salaamay, isaga oo ku celcelinaya misna salaan degdeg ku jiro kala daalaya dadkii qolka ku xoonsanaa.
“Soo dhawoow, soo dhawoow, soo dhawoow! Waxa aan ahay fanaankii Axmed yare, aad iyo aad baan ugu faraxsanahay sida wacan ee aad noogu timaadeen maanta, una soo buuxiseen qolkan. Waxa aanu idiin haynaa bar- naamij aad u sareeya. Muddo yar kadib, waanu idinla hadli doonaa – waad garateen – musharaxii!” Dumarkii tubnaa xaga dambe ayaa billaabay in ay kor u qaadaan qacmahooda, iyaga oo xoog u ruxaya, qolkii dadkii ku jiray oo dhana waxay bilaabeen in ay sacabka tumaan.
“Waad mahadsan tahay. Waad mahadsan tahay – Aad iyo aad baad u ma¬hadsan tahay. Marka hore, waxa aan idiin hayaa arrin aad, aad, aad iyo aad aad u xiisaynaysaan. Waxa inala jooga Guddoomiyaha Guddiga Dooroshooyinka ee Booliqaran, oo halkan marti inoogu ah si uu inoogu sharaxo qawaaniinta cusub ee la xiriira arrimaha doorashooyinka, ee aynu indhawaydba maqlay- nay.” Markii uu intaas yidhi, ayuu waxa uu u sii jeestay, isaga oo dib ugu fiiqaya gacantiisa maslaxa, ayuu ku dhawaaqay, “Maad soo dhawaynaysaa fad- lan dhamaantii dhakhtar Faroow Macalin!”
Dadkii waxay bilaabeen in ay si cajiib ah sacabka u tumaan, iyaga oo qayli- naya, foorinaya, tanina ay tahay mid ka keentay farxad. Fanaankii Axmed yare waxa uu salaamay, oo uu si xoogan u ruxay gacantii Dhakhtar Macalin, una sheegay dadkii in ay dhagaystaan. “Waa hagaag, hagaag, dhakhtar Macalin dad badan oo ku taageera ayaa samaysatay sannado badan.”
“Waad mahadsan tahay Axmed yare,” ayeey tidhi. Dhakhtar Macalin waxay xidhnayd dhar xariir ah, oo isku joog midabkiisu yahay cagaar, si wa- cana u soo saaray quruxdeedii. “Waxaan odhan karaa farxaddu waa 5.3” “Haye, waryaa, tan waan ku raacay,” ayuu yidhi. Maslixii waxay ku sii daayeen qoraa dadkii ka wada qoslisay, waxayna qoslayeey wakhti aad u dheer. “Maxaad uga jeedaa ‘5.3 xiiso leh’?” ayuu waydiiyay Axmed yare.
“Hagaag,” ayeey tidhi dhakhtar Macalin, “Halkan waxaa ku sidaa sacab tume dadka ka qosliya, oo aan inta badan aan sito. Waxa uuna ii sheegaa intee bay dadku ii riyaaqayaan, inta uu le’eg yahay.”
“Taasi waa mid cajiib ah, miyeen ahayn dadku?” dadkii qolka ku jiray mar kale ayeey sacabkii tumeen, oo ku celceliyeen. Markii uu saxankii sii yaraaday, dhakhtar Macalin waa ay sii wadatay, “taasi waa 2.6.”
“Cajiib!” ayuu yidhi. “Maxaa ku samaynaysaa sacab tumid sheegaha? Ma waxaad u isticmaalaysaa doorashadda soo socota?”
Taasi waa sax, Axmed yare. Haddii aanu nahay Guddiga Dooroshooyinka ee Booliqaran waxaa aanu istusnay in tirinta coddadka keliya aynaan ku filnayn doorashooyinka. Ma aha oo keliya tirada ama tiro cida go’aamin qawaaniinta dadku ku dhaqmayaan, awoodda, hoddantinimmadda, iyo xuquuqdda shicibka. Waxa kale oo aanu istusnay in la tiriyo farxadoodda.”
“Waa arrin cajiib ah!” ayuu ku dhawaaqay Axmed yare. Dadkii dhana sacabkii ayeey tumeen.
“4.3,” ayuu Dhakhtar Macalin ku yidhi cod aad daciif u ah.
“Sidee baad sidan u samaynaysaa, dhakhtar?”
Kor ayeey u ruxday salxaanyadeedii, kana sarreeya okiyaallaha ay xidhnayd, markaaseey markii ugu horaysay biloowday in ay qososho. “Kani waa markii ugu horaysay ee loo isticmaallo doorashadan sacab tume sheegaya dadka sida ay ugu qushuuceen musharaxooda. Intii ay buuxin lahaayeen warqad, ay cod- kooda ku dhiibtaan, codbixiyayaashu waxay istaagayaan qol yar, marka magaca qofka loo yeedho waa in uu tummaa sacab. Sacabkiisa ayaa la qiimaynayaa” “Sidee bay u arkaan musharaxiintu habkan cusub ee wax loo dooranayo?” ayuu waydiiyey Axmed yare.
“Waa ay jecel yihiin, Axmed yare. Waxa ay u eg tahay in ay xitaa taageer- ayaashooduna ay u diyaar garooween isbedelkan cusub. Waxa ay wakhti badan ku lumin jireen sida ay u isticmaalayaan lacagta dadka kale sida kuwa taageer- ayaashooda, waana ay fududahay sidii aqalka dhulka loola simi lahaa.”
“Waa hagaag, aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay imaatinkaaga maanta iyo sida wacan ee aad noogu sheegtay waxa soo socda. Naga mid noqo oo noo immo mar kale, soo nooma imman doontid? Marwooyin iyo Mudanayaal, aynu dhagaysanno Dhakhtar Faroow Macalin!”
Markii sacabkii sii yaraadeen, marti soo dhawee-yihii ayaa misna gacantii ku fiiqay dadkii xage dambe tubnaa. “Hadda waxaan soo gaarnay wakhtigii aad wada sugayseen. Haa, kani waa musharaxii Madaxeey oo indhawaydba mashquul ku ahaa musharaxnimadiisa, wakhtina noo helay – waa kan! Aynu dhagaysanno!” Musharax Madaxeey oo qiiro ku jirto, ciyaaryahanimo ka muuqato ayuu dadkii hortooda yimid, isagoo haddana labadiisa gacmood kor u ruxrux- aya, oo u wada baaqaya dadkoo dhan. Yoonis Maskiin waxa uu u qaatay in ninkani leeyahay ilkihii ugu cad caddaa ee uu waligii arko. “Mahadsannid, Axmed yare. Tani aniga waxay ii ugu fadhidaa muhiimad weyn in aan idinla joogo wakhtigan dhamaantii oo dhan.” “Imminka Madaxeey waa in aad noo sheegtaa sheekada ka dambaysa sheekada culus-weyn. Waad ka yaabsatay cid walba iyo adiga oo mar walba lagugu soo qaato warka madaxdiisa iyo wararka ugu muhiimsan, uguna akhriska badan ee laga heli karo Jasiiraddan muddo ka badan toban sanno. Haddaba maxaad samaysaa?”
“Markiiba waxaad taabatay qodobadii ugu muhiimsanaa, wah, Axmed yare? Aad baan u jeclahay barnaamijkaaga sidaas iyo adigaba! Waad aragtaa, waan dareemay kharashka faraha badan ee ku baxa musharaxnimada xafiisyadda siyaasadda sannadahan dambe. Sidaa darteed, waxaan go’aansaday in aan wax ka qabto arrintan. Si xoogan ayaan u aaminsanahay in cod bixiye-yaasha Jasiiraddan in ay mudan yihiin in wax weyn oo wax ku ool ah loo qabto. Tanina waxay ka dambaysay markii aan bilaabay Xisbiga Guud.”
“Xisbiga Guud! Waxay ahayd fikrad muhiim ah! Iyo adiga oo wax ka bedelay magacaaga gaar ahaaneed, soo sidaas ma’ahan?”
“Taasi waa run, Axmed yare. Magacayga runta ah waa Tixsi San kataabte, mana aan noqdeen musharaxaha dadka haddii aan doonayn in aan wax la qabto dadkaaga…” Qof kasta waa uu qoslay. Sidoo kale, waxaa ka loo qoslay Axmed yare iyo Madaxeey.
“Laakiin dhab ahaantii, Axmed yare” Madaxeey waa uu sii watay, “Waa in aad dad badan soo jiidan kartid haddii aad doonaysid taageerro!”
“Sidee baad u gudbinaysaa barnaamijkaaga oo aad dadka u gaarsiinaysaa, Madaxeey?”
“Xisbiga Guud waxa uu soo bandhigi doonaa qoraalo, badhammo iyo qo- raalo xayaysiis ah oo laga heli karo meel walba. Waxaanu rajaynaynaa in aanu dhino kharashka tartanka doorashada badh ama nus.”
Waxaa hadalkii ka soo dhexgalay Axmed yare, “laakiin miyaad go’aan sateen arrimaha aad doonaysaan in aad ku tartantaan?”
“Dabcan, sida Xisbiyada kale,” ayuu yidhi Madaxeey. Waxa uu gacantiisa geliyey jeebkiisa, kana soo saaray xoogaa warqado cad cad oo aan waxba ku qorayn. “Tanni waa warqadayada cad ee aanu ugu talagalnay barnaamijka dambiyadda cad ee aanu ugu talagalnay barnaamijka saboolnimada.”
“Laakiin, Madaxeey waxba kuma qorna warqadahan,” ayuu yidhi Axmed yare, isaga oo si cajiib ah u eegaya. Warqadaha cad cad waxay ahaayeen warqado cad cad.
“Taasi waa tan ugu wanaagsan, Axmed yare. Miyaadan arag? Maxaa wakhtiga iskaga luminayaa in aan dadka wax u ballanqaado? Maxaan ugu oggolaan waayey in cod bixiye-yaasha aan u oggolaado in ay iyagu buuxshaan warqadahaas? Ballanqaadku iyo waxqabadku waxay la mid noqonayaan sidii hore oo kale, sidan waxaanu ku kaydsanaynaa kharashka daabacaada.”
“Sidee taasi ku suurto gelaysaa xariif yahoow! Halka musharaxiinta kale ay ka hadlayaan hoos u dhigidda kharashka tartanka, adigu wax baad ka qabatay. Waa hagaag, wakhtigayaga waa uu sii dhamaanayaa. Maad noo soo koobi kartaa waxa uu Xisbigiinu u taagan yahay?”
“Dabcan Axmed yare. Waanu gaar siinay jasiiraddan idilkeed. Halku dhi- gayaga Xisbiga Guud waa, “waxaanu aaminsanahay waxaad aaminsan tahay!” “Waad ku mahadsan tahay, Madaxeey. Marwooyin iyo Mudanayaal, ma u sacab tumi kartaan, mid sarraysa 5.5 tartankaas xamaasadda leh, musharaxa Madaxeey!”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *