Tuduca 23aad

Iyadoo Loo Eegayo Baahida
Yoonis waxa uu fiirinayaa qalin jabin iskuul iyo tartankii macsalaamaynta.

Cod muusik oo xooggan oo aad u sarreeya iyo durbaanno si aad ah loo tummayo ayaa durbadiiba aamusiiyey, kuna kalifay dadkii faraha badnaa in ay aamusaan oo ay markiiba bilaabeen in ay dhagaystaan. Xiriiriyihii Axmed yare waxa uu kor u qaaday gacantiisa isaga oo ku sii fiiqay dadkii badnaa, “waalidiinta isu soo baxayoo wax badan baad sugayseen tar- tanka maanta. Caruurtiina socodkoodii dheeraa ee lugaynta ayaa maanta la soo gabagabaynayaa, oo dhammaaday. Waa qalin jabintii xeeladda ciyaarta!” Qalabkii laga tumayey sawaxanka muusikada ayaa buuxiyay golihii iyo iyada oo la furay albaabkii dambe. Waxaa soo dhexmarid bilaabay ardaydii iyagoo xidhan dharkii qalin jabinta oo aad loo xardhay – hagaajiyay. Dadkii markiiba waxa ay bilaabeen sacab garaacid, iyaga oo aad iyo aad sacabka u garaacayay, kana muuqday farxad iyo raynrayn.
Yoonis Maskiin waxa uu cod aad daciif u ah kula hadlay haweeneey taag- nayd agtiisa, kuna xigtay, “waa maxay qalin jabinta xeeladda ciyaarta?”
Iyada oo madaxeeda in yar u jeedinaysa dhinaciisa ayeey ku jawaabtay, “kani waa tartanka dhallinyarada golaha ardayda.” In yar bay aamustay si ay u dhagaysato ogaysiiskii, haddana waa ay sii waday, iyada oo isku dayaysa in la maqlo. “Waa dabaal degga marka qof uu dhamaysto waxbarashadiisa. Ilaa iyo hadda dugsigu waxa uu u taagnaa shaqo badan iyo baadigoob aqooneed. Caawa waxaynu xusaynaa dadaalka iyo shaqada aadka u sarraysa ee ay ardaydeenu muujiyeen. Hadiyada ugu sarraysa wali lama bixin. Waana abaalmarinta ugu sarraysa uu helayo ardayga ugu sarreeya ardayda qalin jabinaysa.”
Yoonis isaga oo xagga hore eegaya ayuu wuxuu mooday in uu arkay qof uu garanayo. “Waa kuma qofkaas nabdaaminaya ardayda marka ay horay u soo dhaqaaqaan?”
“Maxay, taasi waa marwo Ashkira. Ma waxaad ka baratay wargayska? Waxay la hadlaysaa ardayda qalin jabinaysa. Waxayna ku hadlaysaa maca- gaca Golaha Guurtida, boqorrada siyaasadda ku caan baxday, waa marti aad muhiim u ah, markasta waa ay noo timaadana, waa ay jeceshahay sumcada iyo faanka. Waa haweeneey caan ka ah jasiiraddan. Markaas waa qofka ku habboon in ay la hadasho ardayda qalin jabinaysa.”
“Sidee baa loo ciyaaraa xeelada ciyaarta? Ayuu waydiiyay Yoonis.
“Waxay u shaqaysaa sidan ayeey tidhi haweeneeydii, iyada oo tuutuujinaysa labadiisa dhagood. “Marwo Ashkira waxay la hadashaa ardayda, iyada oo u jeedisa khudbad dheer, oo si fiican loo soo diyaariyay. Ardayduna waa ay qortaan khudbadeeda, waxayna la barbardhigaan wixii ay soo barteen, iyaga oo ka eegaya wixii iska horimaanaya ee aan la xiriirin noloshooda iyo wixii ay soo barteen. Ardayga si aad u sarrayso u dhagaysta khudbaddeeda, oo misna ka soo saara iska horimaadka ugu xooggan ayaa ku guulaysanaya hadiyada ugu saraysa, marwo Ashkira waa ay biloowday, aynu dhagaysano.”
“…sidaa, waa aynu baranay qiimaha ay leedahay xorriyada,” ayeey ku biloow- day marwo Ashkira.
“Waa aynu ognahay sida xorriyada iyo mas’uuliyadda shaqsiga la siiyo ay kor u qaadayso koritaanka qofka. Dadku sidoodaba ilaa iyo Xaawo iyo Aadan waxay doonayeen xorriyadooda. Wax lagu farxo miyeen ahayn in aan ku nool nahay jasiirad xor ah.”
Haweeneeydii waxay farta ku fiiqday ardaydii ka dambaysay marwo Ashkira. “bal eeg sida ay u qorayaan, oo uu xiisuhu ugu jiro. Haa, qodobo badan ayeey qorayaan!”
“Miyeey marwo Ashkira u sheegtay ardayda wax aan dugsiga loogu dhigin? ayuu waydiiyay Yoonis.
Haweeneeydii waxay si ay xiiso gaar ah ku jirto ku tidhi. “xorriyad baan haysanaa? Aan caqli gal ahayn. Dugsigu waa khasab. Caruurtu waa lagu jajuubaa in ay tagaan, cid walbana waa lagu khasbaa in ay bixiyaa lacagteeda. Hadda aamusnaan!”
“.iyo anaga oo aad u nasiib badan, kuna faraxsan in aanu leenahay dugsi- gan aadka u sarreeya, khaasatan marka dhaqaalaheena laga dayrinayo oo ay nooga dayrinayaan aqoonyahannada dhaqaalaha,” ayeey tidhi marwo Ashkira. “Macalimiinteenu waxay baraan ardaydeena akhlaaq wanaagsan, oo mudan ku dayasho, una gogol xaaraysa in ay maraan waddo toosan, taasoo lagu gaarayo barwaaqo iyo dimoqraadiyad, kuna salaysan aqoon iyo run sheegid joogta ah.” Haweeneeydii taagnayd meel u dhow Yoonis ayaa qabsatay garanka Yoonis iyada oo aad u faraxsan. Waxay tidhi iyada oo shigshigaysa, “gabadhaydu waa ardayada seddexaad marka aad ka soo biloowdo midigta ee safka labaad. Waa taas wax qoraysa; waa ay qortay qodobadaas oo dhan, waan hubaa.”
“Maan fahmin,” ayuu waydiiyey Yoonis. “qodobadee?”
“Dugsiyada ugu wanaagsan? Waa ay adag tahay in lala barbardhigo dugsi kale. Marwo Ashkira caruurteeda waxay u dirtay baadiye is ay casharo ugu soo dhigtaan. Macalin aad u sarreeya? Wakaas! Ardayda waxaa looga baahan yahay in ay u fadhiistaa si ay akhlaaqi ku jirto, oo ay amarka qaataan muddo dhan labo iyo toban sanno, mana helaan waxaan abaal marin ka ahayn iyo iyaga oo ku gudba imtixaanaadkooda. Haddii macallimiintu ay ahaan lahaay- een ardayda oo kale, oo heli laahaayeen waxa ay ardaydu helaan, oo aan heleen mushaharkooda, waxay ugu yeedhi lahaayeen addoonsi! ‘u gogol xaaraya di¬moqraadiyad?’ Sidaas ma’ahan! Tusaalaha lagu bixiyey casharka waa mid ku salaysan keli xukumid.”
Marwo Ashkira waxay hoos u dhigtay madaxeed iyada oo ku dartay tixgellin dheeraad ah, “.imminka waxaad gaadheen guushii idiinku wayneed intii aad ku sugnaydeen jasiiraddan. Qofkasta oo inaga mid ahi waxa uu gaaray xoogaa guul ah. Waa aynu ogsoonahay in tartan culus ah uu jiro iyo dad ah bilaa naxariis, waa ayna adag tahay maalmahan in meel dheer oo muhiim ah uu qof waliba uu gaaro. Anaga tan inoogu muhiimsan waa in aan wax weyn hurnaa, oo ku deeqnaa si dadka kale ay inala qaybsadaan. Wax u hurnaa kuwo inaga liita, iyo kuwa u baahan caawimaada iyo taageerida.”
Haweeneeydii aad iyo aad ayeey u faraxday. “Fiiri ardaydaasi waa ay iska tageene! Soo wax lala yaabo ma’ahan labadan sawir ee kala gedisan! ‘isku dayo weyn’? ‘Hurid’? Dugsiga waxaa lagu baraa in ay ahaadaan kuwii ugu wanaagsanaa, gaaraan halka ugu sarraysa. Iyo marwo Ashkira, nafteeda ma’ahan mid caajisad ah. Waa mid qaylo dheer, oo baahi badan iyo iyada oo damiir la’aan ah. Waxay ku gaadhay halka ay joogto khiyaamo kasta oo
sankuneefle ku fikiri karo. Ardaydani waa ay og yihiin halkan kuma aysan soo gaarin in ay u qishaan arday aan shaqaysan ee waxay ku soo gaareen shaqo wacan iyo adkaysi xooggan.”
“Yoonis ma uusan garan tan. “Ma waxaad uga jeedaa in arday dugsiga dhigata waxaa lagu dhiiri geliyaa in ay shaqsiyan u dadaalaan, oo ay shaqo wacan shaqaystaan. Hadda marka ay qalin jabinayaana marwo Ashkira waxay u sheegtaa in wax badan u huraan dadka kale?”
“Imminka waad fahamtay,”ayeey haweeneeydii ku jawaabtay. “Marwo Ashkira waxay ku hanuunisaa in ay sameeyaa ardayda arrimo aan ka shaqayn karayn adduunka ay ku nool yihiin. Marka aad ka eegtid qofkasta kartidiisa iyo baahidiisa. Taasi waa arrimaha mustaqbalka.”
“Miyeen isku dayi karin in ay sameeyaan waxa ay afka ka yidhaahdaa, oo ay baraan inta aynaan qalin jabin iyo marka ay dhamaystaan waxbarashadooda?” ayuu waydiiyey Yoonis.
“Maamulku waa uu ka shaqaynayaa arrintaas,“ ayeey tidhi haweeneeydii. “Dugsiyadu waxay u shaqeeyaan si aad u sarraysa, oo habkii hore oo kale ah, kaasoo dhiirigeliya shaqo badan iyo aqoon sare. Sannadka soo socda waxay doonayaan in ay sameeyaan in ay wax ka bedelaan habka loo saxo imtix- aanaadka. Waxay qorshaysanayaan in ay isticmaalaan gunooyin iyo abaal- marino u diyaar garaynaysa ardayda xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta adduunka ka baxsan waxbarashada iyo dugsiyada. Imtixaanaadka waxaa lagu qiimay- nayaa baahi ee looma eegayo waxa uu ardaygu shaqaystay. Ardayda ugu liidata waxa ay helayaan qiimaynta ugu sarraysa iyo iyada oo ardayda ugu sidata la siin doona qiimaynta ugu hoosaysa. Guud ahaan, kuwo ugu liita ayaa u baa- han in la siiyo qiimaynta ugu sarraysa iyo dhiiri gelin in ka badan ardayda ugu sidata.”
Isaga oo ruxaya madaxiisa, Yoonis waxa uu ku celiyay erayadeedii si uu u hubiyo in uu si sax ah u maqlay, “Ardayda ugu liidata waxay helayaa qi- imaynta ugu sarraysa iyo iyada oo ardayda ugu sidata ay helayaan qiimaynta ugu hoosaysa?”
“Taasi waa sax,” ayeey ruxday madaxeeda.
“Laakiin maxaa ku dhici doona shaqooyinka ardayda wanaagsan? Miyeen cid waliba noqon mid baahi badan iyo kuwo aan waxba isku dayin?”
“Waxaa muhiim ah ayeey aaminsa tahay marwo Ashkira, in ay arrintani tahay mid aqli weyn ka dambeeyo oo kuna salaysan mabda’a caawimo insaaninimo- samafal guud. Ardayda ugu wanaagsan waxay baranayaa in ay noqdaa kuwo wax weyn u hura ardayda kale, iyo iyada kuwo ugu liitana la barayo carabka ku adkaynta. Maamulada dugsiyadana waxa lagu wargeliyey in ay qorshahan oo kale ay u isticmaalaan macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada.”
“Sidee bay macalimiintu arrintan u arkaan?”ayuu waydiiyay Yoonis. “Qaarkood waa ay jecel yihiin, kuwo kalena waa ay neceb yihiin. Gabad- hayda ayaa ii sheegtay macalimiinta wanaagsani waxay ku hanjabaan in ay macalinimada iskaga tegi doonaan haddii qorshahani uu hirgello. Ka duwan ardayda, macalimiintu wali waxay haystaan in ay kala doortaa – hadda.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *