Tuduca 24aad

Mushaaharadii Dambiilayaasha
Kooxo dib uga xumaaday dhibabka shaqooyinkoodu gaysteen.

Yoonis waa uu iskaga tagay dadkii aadka u dabaal degayey ee ay wajiyadoodu ka muuqatay farxad iyo raynrayn, isaga oo dhexmushaaxaya wadiiqo aan sidaasba uga fogayn dadkii dabaal degayay. Halka ugu shishaysa waddada waxaa fadhiyay dad ku fadhiyay kursi dheer oo isku dhaganaa lahaana lugo maar ah. Dambiilayaashani ma waxay sugayaan maxka- mad? Dabcan maamulayaashan ku sugan halkan ayaa kari kara in ay la keenaan lacagtii ay xadeen.
Dhinaca bidix ee kursiga waxaa ku yaalay far weyn oo ku qornaa, “Xarunta Shaqada Adag.” Dhinaca ugu shisheeyana waxaa tubnaa waardiyayaal xidhnaa dhar isku midab ah oo si hoose u wada hadlayay, oo aan danba ka lahayn maxaabiistii ay ilaalinayeen. Silsiladaha culayska badan ee ka samaysan bir- maar ah oo lugahooda ku xidhnaa ayaa sugayay in aanayn cararin amaba baxsan karin.
Yoonis waxa uu isku dayay in uu u dhawaado maxbuuska u dhawaa, wiil yar oo da’diisu ku dhow dahay toban sanno jir, oo aanba u ekayn dambiile. “Maxaad halkan u joogtaa?” ayuu waydiiyay Yoonis, kuna waydiiyay si ay naxariisi ku jirto.
Wiilkii yaraa kor ayuu u eegay Yoonis, isaga oo misna eegaya ilaaliyaashii intii uusan ka jawaabin su’aasha uu Yoonis waydiiyay, “waan shaqaynayey.”
“Shaqo noocee ah ayaa dhibkaan oo dhan kuu keenay? Ayuu Yoonis way- diiyay inankii yaraa, isaga oo indhihiisii ku sii eegaya.
“Waxaan rastaynayay badeecooyin dukaanka alaabta badeecooyinka Jaa- mac,” ayuu inankii yaraa ku jawaabay. Waxa uu doonayay in uu yiraahdo wax kale, waa uu jogjoogsaday, haddana waxa uu eegay nin agtiisa fadhiyay oo timo ciro faro badan lahaa.
“Waa shaqaaleeyay,” ayuu yidhi Jamaac.Waa nin dhexdhexaad ah, oo aan sidaas u waynayn, oo leh cod aad u weyn. Ganacsadahani wali waxa uu xiran yahay calaamada lagu yaqaan ganacsigiisa iyo silsilad adag oo kula xidhnayd wiilka yar. “Wiilka yari waxa uu doonayaa in uu koro, oo uu noqdo sida aabihiis oo kale, kaasoo ah madaxa warshad yar. Taasi ma’ahan wax caadi ah, waad odhan kartaa. Laakiin warshadaas waa la xidhay aabihiisna waa ay ku adkaatay in uu helo shaqo. Markaa waxaan is idhi wiilku haduu shaqeeyo reerkooda ayeey u wanaagsan tahay. Runta aan kuu sheegee, anigana waa ayba ii fiicnayn. Bakhaarada waawayn ayaa ila tartamayay waana u baahnaa shaqaale jaban. Waa hagaag, taasi waa ay dhamaatay imminka.” Ayuu yidhi ninkii, iyada oo cadho badanina ka muuqato wajigiisa.
Wiilkii yaraa ayaa bilaabay in uu hadlo, “Dugsiga lacag laguma siinayo in aad wax akhriso, oo aad ka shaqayso xisaabtaada. Jaamac waa uu sameeyaa. Waxaan qaban jiray xisaabinta alaabta ku jirta bakhaarka – iyo Jaamac oo ii ballan qaaday haddii aan si wacan u shaqeeyo in aan dalabaadka aan samayn doono. Sidaa daraadeed waxaan bilaabay in aan akhriyo ogaysiisyada iyo war-
gaysyada ganacsiga. Waxaanba la kulmay dad faro badan oo aan ku ekayn caruurta dugsiga dhigata. Jaamacna waa uu i dalacsiiyay, iyo isaga oo ka caaw- inaya aabahay kirada aqalka – xitaa waxaan shaqaystay xoogaa aan bushkuleeti ku iibsado. Imminka waa anigaa la i qabtay,” codkiisiina waa uu sii daciifay, “iyo aniga oo aaminsan in aan dib wax u qabsan karayo – i citiqaad.”
“Farsamayn-aaminid ma ahan wax xun, marka aad xor u tahay ikhtiyaarkaaga, aadna u madax bannaan tahay,” ayuu yidhi ninkii weynaa ee xooga bad- naa, kaasoo xambaarsanaa dambiil ay ka buuxaan ubax midab cagaaran leh. Wuxuuna kaga xidhnaa wiilka yar dhinaciisa kale. “Waa ay adag tahay in nolol maalmeedka la shaqaysto. Waligayba ma’aan jeclayn in aan cid kale u shaqeeyo. Ugu dambayntii, waxaan mooday in aan samaystay dambiishay- dii. Waan iska fiicnaa, oo waxaan si wacan ugu gadan jiray ubaxayga, kuna iibin jiray bartamaha (faras) magaalka. Dadku waa ay jeclaayeen ubaxayga
– macaamiishayda oo dhan. Laakiin dukaanlaydu ma aysan jeclayn tartanka aan kula jiro bakhaaradooda. Waxay ku guulaysteen in ay ka helaan Golaha Guurtida oggolaasho mamnuucid ah, oo laga mamnuucayo kuwa badeecada xaafadaha kula wareega. Kuwa sharci darro wax ku iibiya! Haa, taasi waa waxa ay iigu yeedheen maxaa yeelay ma’aan awoodi karo in aan yeesho dukaan- bakhaar. Haddii aan karo waxaan noqon lahaa ‘dukaanle’ ama ‘ganacsade.’ Uma aan jeedo wax dhibaata ah, Jaamac, laakiin, iibintayda oo kale waa mid waligeedba jiri jirtay, oo ma’ahan wax cusub, jirtayna intii aanan dukaanle no¬qon. Si kastaba ha ahaatee, waxay yidhaahdeen waxaan ahay rabshad abuure, indhe xume, ma shaqayste, iyo hadda sharci jabiye! Sidee baad ugu tilmaami kartaa aniga iyo ubaxayga sidaas? Dabcan kuma aan noolayn sadaqo ee wax¬aan ahaa qof shaqaysta.”
“Laakiin waxaad wax ku iibinaysay waddooyinka,” ayuu Jaamac ku jawaabay. “Waa in aad u daysaa macaamiisha si ay u arkaan.”
“Sidoo kale waa ay sahlan tahay in markiiba la soo galo dukaankaaga? Ma adigaa iska leh macaamiishaada, Jaamac? Haa, dabcan waxaan ka mid ahaa Guddiga Hantida. Waana mid cid waliba ka mid noqon karto, laakiin kama aha, sax Jaamac? Run ahaantii waxaa ka mid ah kuwa ay isku wanaagsan yihiin Golaha Guurtida.”
Yoonis waxa uu soo xusuustay kalluumaystihii odhanayey arrin la mid ah markii uu ka hadlayay harada. Jaamac wuxuu la soo booday, “Laakiin ma bixisid canshuurta aanu bixino haddii aanu nahay dukaanleeyda!”
“Sidoo kale ayaa dambigeeda iska leh canshuurta aad bixisaan? Aniga ma lehi, shaqo kuma lehi!” ayuu yidhi ubax iibiyihii.
Yoonis ayaa hadalkii ka qaybqaatay isaga oo waydiinaya su’aaal, rajay- nayana in uu ka qaybqaato doodaas. “Waa ay ku xidheen markiiba, ma sidaas sahlan bay kugu xidheen?”
“Hagaag, waxay isiiyeen dhawr jeer ogaysiis ay ileeyihiin jooji. Laakiin dan kamaan gelin khudbadoodii. Maxaa ku fikirayaan, yeey ismoodeen in ay yihiin, dadkii ilahaa aniga? Waxaan isku dayayaa in aan shaqaysto, oo aan naftayda u shaqaysto, ma’aan doonayo in aan u shaqeeyo cid aniga madax ii noqota. Si kastaba ha ahaatee, xabsigu waa CAADI. Waa ku dul noolaan karaa dukaanleeyda.”
“Waxaa dhici karta in aad uun samayso adeeg bulsho oo keliya,” ayuu yidhi Jaamac.
“Waxaan samaynayay adeeg bulsho,” ayuu ku jawaabay ubax iibiyihii. Wiilkii yaraa waxa uu bilaabay taahid. “Ma u malaynaysaa in ay i xidhi
doonaan, oo ay xabsiga ii taxaabi doonaan?”
“Wiilyahoow waxba ha ka walwalin,” ayuu la soo booday ubax iibiyihii. “Haddii ay ku xidhaan waxaa hubaal ah in aad baran doontid xirfad-iyo iyada oo aan ahayn waxa uu ku fikirayo ilaaliyaha xabsiga.”
Yoonis waxa uu u sii jeestay koox dumar ah oo iyana fadhiyay safka xigay. “Maxaad halkan u joogtaan?”
“Waxaanu leenahay doon yar oo aanu ku kalluumaysano. Waxaa i joojiyay aniga oo xeebta shaqo culus ka hayay masuul sare,” ayeey tidhi haweeneey¬dii xoogganayd, waxayna lahayn indho midab circa oo kale ah, iyo iyada oo labadeeda dhagoodba u durnaayeen.
“Wuxuu igu yidhi waxaad jabisay sharciga amniga u degsan.” Ayeey tidhi iyada oo u sii jeesanaysa dadkii kale ee la socday, waxay kaloo ku dartay, “Sharciga waxaa loo sameeyay in uu inaga badbaadiyo xadgudubka ka dhexd- haca shaqada. Mas’uuliinta sar sare waa markii labaad oo ay shaqada naga joojiyaan, hadda waa ay naqabteen, mar kale, iyo iyaga oo markan yidhi si xun bay noo iqaabayaan – na xidhayaan.”
Iyada oo la yaaban, ayeey waxay nafteeda u sheegtay, “Maxay ku samay- nayaan wiilkayga? Waxa keliya oo uu jiraa saddex sanno! Arrinta qosolka weyn lehi waa isaga oo ka culus culayska aan shaqada ka qaban jiray, iyo aniga oo wiilkayga wadan jiray marka aan shaqaynayo. Cid cabasho ka muujisayna ma jirin!”
“Ma waxaad u malaynaysaa in ay taasi qosol leedahay?” ayuu yidhi ninkii lahaa garka sida wanaagsan loo soo jaray wajigiisuna ka muuqday yaraanta. Isaga oo riixaya ninkii ku xigay ee agtiisa fadhiyay ayuu yidhi, “Warfaa waxa uu ii shaqaynayay saacado yar labo jiilaal oo isku xiga, waxaa ku lifaaqnaa waxbarasho. Waxa uu iga caawiyaa rugta qurxinta timaha in uu nadiifiyo inta aysan immaan macaamiishayda. Hadda masuuliintu waxay ii sheegeen in aan dhib ku jiro maxaa yeelay ma’aan siiyo lacagta uu shaqaysto oo dhan. Iyo isaga oo iska shaqaysanayay oo aan ku soo biirin ururka shaqaalaha nadiifiya rugaha qurxinta timaha.” Kor ayuu u xooray labadiisa gacmood isaga oo leh, “Had- dii aan siiyo lacagtiisa maxaa kale oo ay iga rabaan, xitaa maan shaqaalayn karayn!”
Warfaa, oo wajigiisu ka muuqdo ka xumaansho ayaa wuxuu yidhi, “qiima- han intaas dhan kumaba aan heli karo shatigayga timajaridda.”
“Waxaad u malaynaysaa in ay dhibaato ku hayso?” ayeey tidhi hawee- neeydii, iyada oo ku nuuxnuuxsanaysa in ay la qabto arrintaas ninkaas iyo kuwa kaleba. Iyada oo oohini ka soo dhowdahay, waxay indhaheeda ku xog- day safaleeti ayeey misna tidhi, “Marka suxufiyiintu ay ogaadaan in aan ahay Marwo Filsan, waa la i xidhayaa, odayga shaqadiisuna waa ay joogsanaysaa. Waligay uma aan haysan in aan samaynayo wax khalad ah. Maxaad samaysay?” Marwo Filsan iyada oo u soo dhawaanaysa qoyska dhallinyarada ah ee kati- inaysan ayeey waxay tidhi, “Beri hore waxaan lahaa aqal weyn, korinayayna saddex caruur ah oo aan dhalay, kuwaasoo wax ka baranayay dugsiyada ugu wanaagsan, aniguna waxaan doonayay in aan dib ugu shaqaysto xirfadayda. Markaasaan waxaan waydiiyay deriskayga sida aan ku heli karo macaawino iga caawisa arrimaha la xiriira aqalkayga. Faarax iyo Dhaqan ayaa la ii tilmaamay markaasaan markiiba shaqaaleeyay. Dhaqan waa qof wanaagsan oo si fiican u taqaana sida loo hagaajiyo jardiinooyinka iyo iyada oo aqoon dheer u leh cilmiga wax rarista. Waa ay samayn kartaa wax kasta oo la xiriira aqalka iyo iyada oo adeegeedu uusan kala go’ lahayn.”
“Sidoo kale Faarax waa saaxiib wanaagsan waa kan mar walba i bad- baadiya, oo noloshayda ii sahla. Waa mid caruurta u roon, ooba ku wanaagsan. Markasta oo aan ubaahdo waa uu ila joogaa. Timaha ayuu jaraa, raashinka ayuu kariyaa, waana uu nadiifiyaa aqalka – si aad iyo aad u sarraysa ayuu u sameeyaa, kaba wanaagsan sida aan wax u qabsado. Wiilashaydu aad bay uga helaan raashin karintiisa. Karintiisa uun bay doonayaan. Marka aan imaado aqalka waan la yara nasan karaa odaygayga, oo aan la ciyaari karaa caruur- tayda.”
“Waxay u eg tahay macaawino cid waliba ay u baahan tahay,” ayuu yidhi Yoonis. “Laakiin maxaa khaldamay?”
“Wax waliba waa ay wanaagsanaayeen markii hore. Kadibna odaygayga ayaa helay shaqo cusub oo loo magacaabay in uu hormuud ka ahaado Rugta Sumcadda Ganacsiga. Hagaag, dadka ka soo horjeeda ayaa baadigoob ku qaa- day hantidayada waxayna soo ogaadeen in aanu bixin wax canshuur ah intii Faarax iyo Dhaqan ahaayeen shaqaalahayaga.”
“Maxaa ugu wacan?” ayuu waydiiyay Yoonis.
“Ma’aanu awoodi karin wakhtigaas. Canshuurtu waxay ahayd mid qaali ah, lacagta aan ku shaqaynaynay waxay ahayd mid aad u hoosaysa markii hore, dabadeedna, haddii aanu bixin lahayn canshuurta maba aanu awoodnayn in aanu shaqaalayno.”
Faarax ayaa hadlay waxa uuna yidhi, “Taasina waxay ahaan lahayd mid dhibaato weyn noo keenta.”
Xaaskiisa ayaa gujisay iyada oo leh, “Taxadar, ahoow. Waad og tahay dhibkaan halkaas oo dhan aynu u soo marnay.”
“Hagaag, marwo,” ayuu ku yidhi Marwo Filsan isaga oo muujinaya geesin- imo, “Waxaad badbaadisay naftayada. Waxaanu ka soo haajirnay dhulkaygii aan ku noolaan jirnay, maxaa yeelay, waxaa ka dilaacday abaaro iyo dagaal sokeeye oo heer xun gaaray. Wax raja ah ma’aanu lahayn – waxay ahayn in aanu ka soo qaxno jasiiradaas ama gaajo u dhimano ama nala dilo. Waxaanu go’aansanay in aanu ka soo haajirno, una soo guurno Booliqaran. Haddii aysan Marwo Filsan nacaawin lahayn dib ayaa naloo celin lahaa, oo halkaas ayaanu ku dhiman lahayn.”
“Haa,” ayeey tidhi Dhaqan, iyada oo ku leh cod aad daciif u ah. “Abaal weyn baanu kuu haynaa oo aad ku badbaadisay naftayada, haddana aad iyo aad baanu uga xunahay in aad annaga dartayo aad dhibkaa intaas le’eg aad ugu jirtaa.”
Marwo Filsan iyada oo xiiqsan oo neef tuursan ayeey tidhi, “Odaygayga waa uu luminayaa xilkii loo magacaaway ee ahayd Rugta Sumcadda Ganacsiga, waxaa xitaa dhici karta in uu waayo shaqadiisii uu horay u hayn jiray. Waxa uu ahaa madaxa bixiyaha Shatiyada kiisa koowaad ee Booliqaran, kaasoo kor u qaadaya sumcadda iyo sharfta qaranka. Cadoowgiisa waxay ku eedayn doonaan in uusan ahayn waxa uu sheeganayo.”
“Uusan ahayn waxa uu sheeganayo?” ayuu waydiiyay Yoonis.
“Haa. Bixiyaha Shatiyada kiisa koowaad ee Booliqaran waxa uu ka soo horjeestaa dadka cusub ee u soo haajira halkan.”
“Dadka cusubaa?” ayuu ku celiyay Yoonis. “Waa ayo kuwa wax badan joogay misna cusub?”
“Wax badan joogayaashii hore? Goow, kuwaasi waa inteena kale oo dhan,” ayeey tidhi Marwo Filsan. “Wakhti dheer ayeey awoowyaasheen yimaadeen, oo ay ka yimaadeen meel uun kale iyaga oo u soo haajiray dhulkan, kuwaasoo ka soo cararayay cadaadin ama iyaga oo isku dayaya in ay horumariyaan nolos- hooda. Laakiin, kuwa cusubi waa kuwo hadda yimid dhulkan. Waana kuwo sharciga socdaalkuna uu ka mamnuucay in ay yimaadaan dhulkan.”
Yoonis waa ay ku adkaatay in uu soo dhaweeyo mamnuucidan sharciga ku salaysan. Mana uu doonayo in uu ogaado waxa ku dhici kara haddii madaxdu ay ogaadaan in uu naftiisu yahay muhaajir ku cusub jasiiraddan. Isaga oo aan wax xiisa weyn u hayn, ayuu waydiiyay, “Maxaysan ku doonayn muhaajiriin hor leh oo cusub?”
Haweeneeydii kalluumaysatada ahayd ayaa hadalkiisii soo dhexgashay oo tidhi, “Kuwa awoodda haysta ee ka mid ka ah Golaha Guurtida ayaa ka wal- walsan tartanka. Muhaajiriinta cusubi waa kuwo si xoog badan u shaqaysta, ama shaqeeya wakhti dheer, ama ku shaqeeya lacag aad u hoosaysa, iyaga oo qaadanaya khatar weyn. Waxayna qabanayaan shaqooyinka dadka badankiisu aysan doonayn in ay qabtaan.”
“U kaadi wax yar. Waxaa jira cabashooyin fara badan oo badankoodu macquul ay yihiin kuna wajahan dadka muhaajiriinta ah,” ayuu yidhi Jaamac. “Dadka cusub inta badan ma yaqaanaan luuqadeena, dhaqankeena, ama sida aynu u dabaal degno iyo hidaha dadkeena ku nool Jasiiraddan. Aad ayaan u amaanayaa kartidooda. Waxay yihiin dad naftooda soo mariyay dhib faro badan si ay u yimaadaan, kuna noqdaan dad aan cidi aqoon – muhaajiriin. Laakiin, waxay qaadanaysaa wakhti in ay bartaan wax kasta iyo iyada oo halkani uusan ka jirin dhul aad u baaxad weyn oo aynu ku wada noolaan karno. Wakhtigu waa uu ka gedisan yahay markii awoowyaasheen soo haajireen oo ay ka soo haajireen dhulkoodii, yimaadeena jasiiraddan.”
Yoonis waxa uu ku fikirayaa dhulkii baaxadda balaadhnaa ee uu soo arkay intuu uu dhex meerayay miyiga jasiiraddan intii aysan Marwo Filsan hadalka ka soo qaybgalin iyada oo farxad weyni ka muuqato waxayna tidhi, “Odaygayguba wuxuu ku doodayay doodaas oo kale, oo uu kaga soo horjeeday muhaajiri¬inta cusub. Mar walba waxa uu yidhaadaa dadka cusubi waa in ay bartaa luuqadeena iyo hidaheena inta aan loo oggolaan in ay ku noolaadaan jasiirad- dan. Sidoo kale waa in ay haystaa lacag, aqoon sare, iskuna filan yihiin, mana aha in ay dhul badan ay qaataan. Odaygaygu waxa uu qorayaa sharci cusub oo dadka halkan u soo haajiray ka dhex saaraya dadka intiisa kale, dibna u celinaya, dabadeed waxa uu la kulmay dhib yar. Sida uu u qoray sharci waxa uu si aad ah u khuseeyaa caruurtayada ee maba khusaynayo dadka la mid ka ah Faarax iyo Dhaqan.”
Markiiba labo nin oo xidhnaa dhar iskujoog ah, oo watay boorsooyin ayaa albaabkii ka soo baxay. Waxay kor yimaadeen Marwo Filsan, taasoo baqdini ka muuqatay. Mid ka mid ah raggaas ayaa amray in ilaaliyihii uu ka furo silsilada lugteeda kaga xidhnayd. “Waanu ka xunahay in lagugu khaldamay nagana gudoon raaligelin, marwo Filsan. Waxaanuna kula socodsiinaynaa in arrintanina ay gaadhay madaxda ugu sarraysa, wax aad ka welweshaana ma jiraan.”
Iyada oo farxad wajigeedu ka muuqdo ayna horkacayaan oo ay ka sii saaraya meeshii ay markii hore joogtay, waxay iska dhaqaaqday iyada oo aan waxba ku odhan Faarax iyo Dhaqan. Dadkii intiisa kale waa uun ay daawanayeen iyaga oo aamusnaa, kana dhawaajinayay silsiladihii lugahooda ku xidhanaa. Markii Marwo Filsan ay libidhay ilaaliyaashii waxay ku soo jeesteen Faarax iyo Dhaqan, iyaga oo kala kaxaynaya, una sii kala kaxaynayay midba dhinac. “Adigu iska tag, akhasunaaska ah. Ku noqo halkii aad ka timid.”
“Laakiin ma aanu samayn wax dhib ah,” ayeey ku baryootameen Faarax iyo Dhaqan. “Waa nala dilayaa.”
“Taasi ma’ahan wax aanu ka mas’uul nahay,” ayuu ilaaliyihii ku yidhi.
Haweeneeydii kalluumaystada ahayd waa ay sugtay intii ay hoos u dhaad- hacayeen iyo intii ay albaabka xoog isugu dhufanayeen, kadibna iyada oo neef- tuuraysa, neefneefsanaysana ayeey tidhi, “Haa, waa ay tahay.”
Yoonis isaga oo amakaab iyo walwal badani ka muuqdo, kuna fikiraya waxay qoyskaasi la kulmi doonaan, oo xitaa naftiisa u baqaya. Waxa uu eegay kor, isaga oo waydiinayay haweeneeydii, “Cid kasta oo silsiladi ku xidhan tahay oo halkaas lagu hayo, waxaa loo haystaa maxaa yeelay looma oggolaan in ay shaqaystaan?”
Inan dhallinyara ah oo safka dambe fadhiyay oo wajigiisa labadiisa gacmood ku qarinayay ayaa haweeneeydii u jawaabay, “Haddii aad u aragtid sidaas, isaga ayaaba looga qaataa. Mas’uuliinta sar sare waxay ku adkaysteen in uu noqdo askari. Waana uu diiday – markaas isagana silsilada ayaa lagu soo xiray sidayada oo kale.”
Yoonis ma uusan arki karayn inanka dhallinyarada ah ee hadlayay, misna waxa uu la yaabay sababta ay odayaasha magaaladu u doonayaan in inankan yari uu dagaalkooda uu isaga u fuliyo. “Maxay mas’uuliinta sar sare ay ugu khasbayaan in uu noqdo askari?”
Haweeneeydii kalluumaysatada ahayd ayaa si toos ah ugu jawaabtay Yoonis. “Waxay yiraahdaan waa sida keliya ee lagu badbaadin karayo bulshadeena.” Hadalkeedii waxay ka dhexyeerayeen dhegihiisa, oo waxay ahaayeen kuwo sawaxanka silsiladaha ay ku xirnaayeen kaba qeelo dheeraa.
“Kumaan ka badbaadiyaa?” ayuu waydiiyay Yoonis.
“Kuwa silsiladaha lugaheena ku xidha,” ayeey si fiican u iftiimisay haweeneeydii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *