Tuduca 25aad

Khiyaamo ama Macaamilid
Dadka waayeelka ah oo aad uga caawday khiyaamooyinka lacagtooda hawl gabnimo.

ACADLAHA ay dawladu leedahay waxa uu leeyahay qolal waa weyn iyo golleyaal kaba weyn qololka carwooyinka loogu talagalay. Yoonis waxa uu ku dhex wareegayay carwada aqteeda intii uusan urin udgoonka bunka iyo roodhida sida wacan loo sameeyay. Waxa uu ku sii socday halka ud- goonku ka immanayay, isaga oo ku sii soconaya qololka waa weyn ee loogu tala- galay shirarka, halkaasoo ay joogeen odayaal iyo hooyooyin da’ weyn, oo dood waalani goobta uga socotay, kuwaasoo caro aawadeen u ruxruxayay gacma- hooda. Qaarkood gacmaha ayay is haysteen si ay isu taageeraan, hadda waxay ahaayeen kuwo ilin badani ka daadanaysay.
“Maxaa idinku dhacay?” ayuu waydiiyay Yoonis, isaga oo ishiisa ku sii ee¬gaya danbiil taalay bartamaha qolka weyn. Waxaa la moodaa in ay taabanayso saqafka. “Maxaa kaa caraysiiyay?”
Dadkii waa weynaa intoodii badnayd waa ay iska dhegatireen oo ay iska sii wateen kala cabashadoodii iyo murankoodii. Laakiin oday aan faktamayn ayaa yara kacay, isaga oo si tartiib ah u kacaya, kuna soo dhawaanaya Yoonis. “Kuwaasi waa guurti isla weyn,” ayuu yidhi isaga oo gunuunacaya, “markale ayuu sameeyay! Waa uuna khiyaamay!”
“Muxuu sameeyay?”ayuu waydiiyay Yoonis.
“Sannado tagay,” ayuu yidhi odaygii weynaa isaga ruxruxaya madaxiisa, kana xun, “Cali Bucur, ayaa noo sheegay khiyaamada weyn ee looga hortagayo in dadka waa weyn ay gaajoodaan. Waa arrin wanaagsan, haahee?”
Yoonis madaxiisa ayuu ruxay.
“Haahee, taasi waa waxaanu u wada malaynay, anaga oo dhan. Haahee!” Waa uu hindhisay in xoogaa ah.
“Marka dhibaato weyni ay dhacdo, cid walba, marka laga reebo mudane Oday Bucur iyo kuwa la midka ah, waxaa la waydiiyaa in ay ku deeqaan xoogaa rooti ah, iyaga oo isugu gaynaya dambiisha weyn ee ay dawladu leeda- hay todobaad kasta. Kuwa gaara 65 sanno oo shaqada ka fadhiistay oo keliya ayaa dambiisha dawlada roodhi ka qaadan kara.”
“Cid kasta marka laga reebo Oday Bucur iyo kuwa la midka waa ay ku tabarucaan?”ayuu ku celiyay Yoonis.
“Wah, waxay leeyihiin tixgelin gaar ah,” ayuu ku jawaabay odaygii weynaa. “Waa in aanu dambiil kale oo iyaga u gaar ah aanu ugu ridnaa iyagana, oo iyaga uun khaas u ah. Imminka waan garan karaa sababta ay u doonayaan kooda iyaga uun gaar u ah.”
“Aad iyo aad ayeey u wanaagsan tahay in aad heshid raashin marka aad noqotid da’, oo aadan shaqaysan karayn,” ayuu yidhi Yoonis.
“Run ahaantii! Taasi waa sida aanu islahayn. Waxay u eg tahay in ay jiraan fikrado badan oo kobcin u baahan maxaa yeelay mar kasta waxaa loo helaa yaamis la siiyo dadka da’da ah. Maadaama aynu ku tashanayno dawlada
awooda badan dambiisheeda, intayada badan waanu joojinay in aanu si gaar ah wax meel u dhigano mustaqbalka soo socda.”
Garabkiisa ayuu hoos u dhigay isaga oo ka fikiraya jihaadka nolosha. Oday- gii weynaa wuxuu fiiriyay dadkii kale ee waa weynaa. Wuxuuna u tilmaamay oday kale oo fadhiyay kursi aan sidaas uga fogayn isaga. “Maalin maalmaha ka mid ah, Saaxiibkay Caamir ee halkaas jooga waxa uu daawanayay dadka markii ay ku ridayeen roodhida iyo markii dambiisha la sii qaadayay. Waxa uu sameeyay xogaa xisaab ah isaga oo leh goor dhow dambiisha waxaa ka dhamaanaya roodhideeda. Caamir waxa uu ahaan jiray xisaabiye, waad garanaysaa. Waa uun gartay in ay sidaas u sahlan tahay tirinteeda: Roodhi badan ayaa la- gaga baxayay dambiisha marka loo eego waxa ay dadku ku ridayeen – ilaa ayba ka dhammaato. Hagaag, waa uuna dhiiri geliyay.” Caamir waxa uu bilaabay in uu ruxo madaxiisa.
“Waxaanu isku sii qaadnay dambiishii annaga oo dhinaceeda fuulayna. Waxay nagu qaadatay xoogaa, laakiin ma’aanu ahayn kuwo daciif ah, ind- hala’ sida ay kuwo da’da yaree ka midka ah Golaha Guurtida ay na moodaan.
Si kastaba ha ahaatee, waanu eegnay, oo aanu misna ogaanay in raashinkii dambiisha ku jiray uu ku dhow yahay dhammaad. Markii dadkii kale ay arrin- tan maqleen, waxay dhalisay buuq iyo cadho fara badan. Waanu u sheegnay Oday Caamir si uu markiiba wax uga qabto arrintan ama taasi waxay wax u dhimaysaa doorashadiisa tartanka innagu soo food leh!”
“Wooo, waxaan u malaynayaa in uu cabsaday,” ayuu yidhi Yoonis.
“Cabsi? Waligeey maan arag qof sidaas u walwala. Waa uu og yahay in aanu isku xidhanahay, wada jirna wax u samayno. Marka hore waxa uu soo jeediyay in dadka waayeelka ah la siiyo roodhi badan – Kana bilaamanaya inta aan la qaban doorashada. Kadibna waanu ka qaadaynaa roodhi badan kuwa da’da yar ee hadda shaqeeya-waanu hirgelinaynaa marka doorashada la qabto kadib. Laakiin, markiiba shaqaalihii iyana waxay ogaadeen khiyaamadiisa, taasina waa ay ka cadhaysiisay iyagana. Kuwa ugu yar, uguna aqliga badan, waxay yidhaahdeen waxay u baahan yihiin roodhi ay cunaan hadda inta ay shaqaynayaan. Ma ay doonayaan in ay sugaan wakhti dheer, oo waxayba doonayaan in ay cunaan raashinkan hadda, mana ay rabaa yaamiskan marka ay shaqada ka fadhiistaan. Sidoo kale qorshaha mustaqbalka waxaa dhici karta in aadan ka faa’idaysan oo aadanba gaarin. Intooda badana maba aaminaan siyaasiinta in ay qorshooyinkooda ay iyagu u daayaan inta aynaan shaqada ka fadhiisan.”
“Kadib muxuu sameeyay?” ayuu waydiiyay Yoonis.
“Markasta Bucur cid kale oo cusub ayuu soo bandhigaa. Waxa uu soo jeediyay in qof kastaa uu sugaa inta uu ka gaarayo 70 jir markaaseey dambi¬isha kala bixi karaan roodhi. Waa hagaag, taasina waxay ka caraysiisay kuwii u soo dhawaa da’da shaqo gabista, aan shaqayn karayn, oo sugayay in ay rood- hidooda la baxaan marka ay yihiin 65 jir sidii markii horeba ay ahaan jirtay.
Ugu dambayntii, Bucur waxa uu la yimid fakir aad u sarreeya.”
“Wakhtigii loo baahnaa!” ayuu la qayliyay Yoonis.
“Wakhtigii loo baahnaa in uu dhaco doorashada. Bucur waxa uu u balan qaaday cid walba wax kasta! Wixii badnaa wuxuu siiyay dadka da’da weyn, wax xoogaana waxa uu ka soo qaaday dadkii da’da yaraa. Dhamaystiran! Balanqaaday wax badan iyaga oo bixinaya wax yar, cid walibana waxay ahayd kuwo faraxsan!” Odaygii weynaa waa uu aamusay si uu u arko in Yoonis uu wali fahmay hadalkiisii. “Nuxurku wuxuu yahay dambiisha oo sii yaraanaysa
sannad walba. Haahee. Bambiisha ayaa sii naaqusaysa xitaa haddii aan ka cuno boqol rooti ah – iyo annaga oo wali dareensan baahi.”
“Khaa’in toltolidiis dheh! Ayuu ku dhawaaqay Caamir. “Marka ay roodhi- daasi dhammaadaan, Waxaan filayaa in ay daabici doonaan sawir roodhi ah si ay inoo cunsiiyaan!”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *