Tuduca 26aad

Kuma Ayeey Ka Timid Fikraddan Aadka u Wacan?
Sharciyaqaano ka wada hadlaya sidii ay u noqon lahaayeen taajiriin iyaga oo isticmaalaya Firkadahooda.

AGA, baga!” ayuu ku qayliyay ninkii. Odaygii iyo haweeneeydii waay- eelka ahaa waa ay la yaabeen. Waa ay eegeen iyaga oo la fajacsan rabshadan aysan filayn. Ninkan iska soo galay meeshan aan looga yeerin, waa mid si wacan u labisan, wuxuuna xidhnaa dharka ciyaaryahannada loogu talagalay, si wacana loo soo tolay, iyo isaga oo shaaribihiisa si aad sare ah u soo jaray. Ninkan iyo kuwa kale ee la socday waxay isku uruuriyeen hal qol, waxay ahaayeen kuwo xirnaa dhar isku wada eg oo madoow. Waxay u ekaayeen kuwo noloshoodu ay ku xidhnayd ninkan. Hogaamiyahooda waxa uu dul yimid miis si uu uga qaato bun, misna waxa uu gacmaha u haadinayay kuwii kale. Sida idihii oo kale ayeey is tubeen qolka meel ka mid ah, haddana ku sugeen.
“Hambalyo,” ayuu yidhi Yoonis, haddana sii raaciyey “waxkasta oo aad u dabaal dagaysaan.” Yoonis waxa uu mooday in uu ku khasban yahay in uu u shubo bunkii, isaga oo si gaar ah u indha indhaynaya laymanka dharka uu xidhan yahay. “Ma ku waydiin karaa sababta aad u faraxsan tahay?”
“Dabcan,” ayuu yidhi isaga oo aad isulaweyn. “Waad ku mahadsan tahay bunka. Goow! Waa uu kulul yahay!” isaga oo bunkii dib u dhigaya, ninkii isaga oo gacanta ka qabsanaya Yoonis ayuu yidhi, “Magacaygu waa Sooyaan Geedi. Waa maxay adiga magacaagu?
“Yoonis. Yoonis Maskiin. Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan kula kulmo.” Sooyaan waxa uu si xooggan u salaamay Yoonis, isaga oo si adag u ruxaya gacanta Yoonis. “Yoonis, maanta hantiile ayaan noqday. Waxaan ku guu- laystay wax soo saarka aqoontayda, qalab waadax ah, oo wax lagu jari karo.” “Maxay ahayd codayntani?”
“Tiradii ugu yarayd ayeey maxkamadu ku codaysay in aan helo oggolaansho warqadeed oo shati ah, kaasoo ii oggolaanaya in aan aniga keligay aan iska leeyahay, aniga uuna aan ka faa’iidi karayo.”
“Maxay tahay warqaddan oggolaanshaha adiga keligaa uun aad ka faa’iidaysan karaysid?” ayuu waydiiyay Yoonis.
Sooyaan ayaa yidhi isaga oo farxadi ka muuqato, “Waa warqadda keliya ee qiimo weyn ka leh jasiiraddan. Waa warqad ay qoreen Golaha Guurtida, kuwaasoo aniga ii siinaya in aan keligay aan ku haysto shati gaar ah, oo aan ku jari karo dhirta. Cid kale ma isticmaali karto wax soo saarka aqoontayda waadaxa ah, ee wax lagu goyn karo, haddii aynaan oggolaansho aysan iga helin aniga. Waxaan ahaanayaa mid hanti badan leh!”
Yoonis waxaa maskaxdiisa ku soo dhacay haweeneeydii uu ku arkay Booliqaran markii uu yimid. “Goorma ayaad hindistay arrintan?”
“Goow, anigu iskama aan lahayn fikirka. Muuse, kii saboolka ahaa ayaa
arrintan oo dhan isu geeyay, isaga ayaana warqadda u gaystay xafiiska Hog- gaan Dawladeedka ee Fikradaha lagu Xakameeyo. Waxaan siiyay Muuse lacag xoogaa ah maadaama uu yahay qofka xuquuqda u leh, soona alifay, mar dhowna waan wada siinayaa inta kalena! Muuse marnaba ma awoodi karo in uu shaqaaleeyo qareenada keligiis,” ayuu yidhi Sooyaan, isaga oo ruxaya madaxiisa, misna ku sii jeesanaya asxaabtiisa kale.
“Markaas kumaa laga adkaaday?”ayuu waydiiyay Yoonis.
“Waxa uu ahaa tartan adag,” ayuu yidhi Sooyaan. “Boqolaal qof sida Muuse oo kale ayaa isku dayay, oo kuba fikiray intaan anigu aan ogaan. Muuse ka hor, taasi waa taa. Qaar waxay yidhaahdeen waa arrinta aqli galka ah ee ku xigta marka wax soo saarka aqooneed la hindisayo. Haa heey! Xitaa Muuse ayeeydii ayaa arji gudbisatay, iyada oo ku doodaysa in ay ka mas’uul tahay halka uu maanta gaaray. Iyo iyada ay jirto in qoraa kale uu leeyahay Muuse fikirka aniga ayuu iga xaday.”
Sooyaan in xoogaa ah ayuu aamusay si uu u kab kabado bunkiisa. “Inkastoo sidii lagu kala saari lahaa arjiyadaas oo dhan ay tahay tii ugu adkayd. Muddicii wuxuu ku dooday in wakhti dheer laga joogo markii, markii ugu haraysana ay tahay in la isku xidho alwaax iyo aalad. Imminka ma’aan xusuusto magaca aalada cusub. Micno ma leh hadda xusuusnaanta magaceeda. Muuse ayeeyadii waxay haysataa markhaatiyaal gaaraya afartan ruux. Waxay tidhi tani waxay ahayd arrin ay ka baaraan degtay, ayna tahay tan kaliya ee wakhtigeeda ku lumin jirtay, waxay kaloo ay tidhi – waxaa la yiri waxay doonaysaa in ay fududayso shaqadeeda xoogaa uun. Waxay ka doonaysay garsoorayaashii in ay iyada u naxariistaan, iyada oo ku doodaysay in ay ahayd qof sabool ah, oo ka shaqaysata meherada dhirjaridda, waligeedna ma helin lacag ay ku goosato shatiga wax soo saarka maskaxadeed. Nasiib xumo, huh?”
“Nasiibkaa?” ayuu ku jawaabay Yoonis.
“Waxaan u malaynayaa in ay Muuse ayeeydii doonaysay in ay gasho taari- ikhda, oo buugaagta lagu xuso. Haddase cid maqashay iyada ma jirto.” Isaga oo dhigaya koofiyadiisa hoosta, Sooyaan waxa uu isku dhereriyay gidaarka, wuxuuna isku dayay in uu wax ogaado, isaga oo aad ugu faraxsan arrin sida uu yahay.
“Mid kasta oo ka mid ah kuwan qiimo gaar ah ayuu leeyahay,” waa uu sii watay Sooyaan, “Kuwa aniga iga soo horjeeda waxay ku doodeen in aysan wanaagsanayn in dadka qaar ay yeeshaan fikirka ay soo saaraan. Laakiin, maxkamadda ayaa tidhi waan lahaan karaa – Markaas waan leeyahay! Waxaan lahaa todoba iyo toban sanno. Si toosan oo caddaaladi ku dheehan tahay ayaa u iibsaday.”
“Todoba iyo toban sanno? Maxay todoba iyo toban sanno?”ayuu waydiiyay Yoonis.
“Yaa ogaa?”ayuu mar qudha la soo booday. “Waa tiro wanaagsan, ayaan u malaynayaa.”
“Laakiin, haddii aad leedahay isticmaalida fikirka, dabcan maxay u dhamaanaysaa marka la gaaro todobo iyo toban sanno? Miyaa waayeeysaa hantidaada kale oo dhan, miyaad?”
“Hmmm.” Sooyaan waa uu hakaday isaga oo kor u qaadaya bunkiisa mar kale. Wuxuuna bilaabay in uu walwalaago bunkiisii. “Su’aal wanaagsan. Wakhti cayiman malaha hantida aad leedahay, haddii aysan Golaha Guur- tida uusan kaala wareegin arrimo la xiriira danta guud ee bulshada iyo wixii la mid ah. Wax yar u kaadi.” Kor ayuu u qaaday gacantiisa, islamarkiiba nin
taagnaa meel aan sidaas uga fogayn, oo taagnaa geeska kale, ayaa markiiba ku soo orday dhinaciisa.
Ninkii waxa uu yimid Sooyaan agtiisa. “Maxaan kuu qabtaa, Sooyaan?” “Fanax, u sheeg saaxiibkaygan da’da yar sababta aan u lahaan waayay aqoonsi warqdeedka aqoontayda fikradeed muddo aan ka badnaan karin todoba iyo toban sanno?”
“Haa, Mudane. Haa hagaag, waa iska sidan. Berigii hore ee sii horreeyay warqadda oggolaanshaha boqorku waxa uu siin jiray saaxiibadiisa ka shaqeeya maxkamadda, isaga uun baana lahaa awoodaas. Maantase, si kastaba ha ahaa- tee, ujeeddada warqadda lahaanta fikirka cusub ee uu hindiso,” ayuu yidhi Fanax isaga oo ku nuuxnuuxsanaya sharciga, “waa mid looga dan leeyahay in la dhiiri geliyo soo saaraha, wax soo saaray, haddii kale, ma jirayso sabab loo soo saaro wax qiimo u leh bulshada. Qarnigii hore ee tagay, hindise wax cusub soo saaray ayaa aaminsanaa khuraafaad, kaasoo Golaha Guurtida ku qanciyay in ay todoba iyo toban sanno ku filan tahay oo keliya, taasina ay suurta gelin karto in ruux ilaa iyo wakhtigaas keligii awood gaar ah uu ku leeyahay waxa uu soo saaray, kuna noqon karo hantiile, hanti badan leh.”
“Fadlan i sax haddii aan khaldanahay,” ayuu yidhi Yoonis isaga oo iskuna dayaya in uu fahmo. “Waxaad tidhi hindisaha waxa cusub soo saaray ayaa lagu dhiiri gelinayaa-sidii uu u noqon lahaa hantiile – sidii uu uga joojin lahaa dadka kale in ay isticmaalaan fikirkaas?”
Muuse iyo Fanax ayaa is wada eegay. Fanax ayaa ku jawaabay, “Maxaa kaloo lagu dhiiri gelin karaa, oo sideedaba jiri kara?”
Yoonis ma uusan moodin kuwo garasho dheer. “Markaas cid kasta oo samaysa aalad waadax ah oo fiiqan waa in ay lacagsiiyaan labadiina?”
Fanax ayaa qoslay isaga oo walwalsan, misna iska eegaya dhinacyada. “Ahaah, waa hagaag, taasina waxay ku xidhan tahay Sooyaan. Waxa uu ka jecel ya- hay in uu iskiis u sameeyo – gaar ahaaneed – taxadar ku dheehan tahay ama waxay ku xidhan tahay ballanqaadyada uu helo ee uu ka helo kuwo dhirta jara, waxaana suurta gal ah in uusan u oggolaan in ay samaystaan gebi ahaanba – todobo iyo toban sanno.” Isaga oo eegaya Sooyaan, Fanax waxa uu ku daray, “Waxaanu leenahay shaqaale arrintaas si gaar ah uga baaraan dagaya, mudane. Ha ilaawin, marka hore waa in aan wax ka qabanaa Sharciga Shaqaalaha Dhirta jara. Shir kale oo ay ka soo qaybgalayso Marwo Ashkira ayaa loo ballansan yahay maanta. Waa ay noo oggolaan kartaa, oo ay innaga dhaafi kartaa shar- ciyadan oo dhan.” Waxaa ku soo noqday hadalkii Yoonis, isaga oo leh, “Kuwo dhirta jara, waa kuwo shaqadooda u haya xiiso badan, oo ah kuwo cajiibnimo ku darsaday, laakiin, waa kuwo wax soo saar badan, fikirkan cusub waa in uu marka hore wax kasta ka hormariyaa shaqaalahan, waana kuwo isticmaala aalad u suurta gelisa in ay dhir badan dhulka la simaan, waana in kuwan la daryeelaa, oo laga badbaadiyaa isticmaalida fikraddan cusub.”
Sooyaan waa uu la qabsan waayay hadalkoodii. Isaga oo la moodo in uusan fahmin waxa laga hadlayay ayuu soo bandhigay, “Sharciga Shaqaalaha Dhirta waa mid ka soo horjeeda horumarka, miyeeynaan ahayn? Waan garanayaa in aan kugu xisaab tami karayo, Fanax. Mar walba waad ka horraysaa arrin kasta.”
“Laakiin, mudane.” Ayuu ku celceliyay Yoonis, “Maxaad samayn lahayn haddii aysan maxkamadu ku siiseen warqadda hindisnimada aad wax ku soo saartay, laguguna siiyay shatigan?”
Isaga oo xoogiisa oo dhan isugu gaynaya gacmihiisa, Sooyaan waxa uu
soo qabsaday Fanax iyo Yoonis, kana qabsaday garbahooda, waxayna u sii wada dhaqaaqeen dhinaca albaabka, isaga oo la moodo in uu ku dhawaaqayo in uu soo afjaro wada hadalkan. “Raggiina dhallinta yaroow, haddii aan ku guulaysteen codkan maanta, waan idiin sheegi karaa in aaan farxad halkan idin kula joogeen. Waxaan ka daba ordi lahaa si aan taageero uga helo Marwo Ashkira si ay u tirtirto Sharciga Shaqaalaha Dhirta, laakiin haddana waxaan ka shaqayn lahaa warshadda aniga oo isticmaalaya aalad waadax ah oo wax soo saar badan sida ugu dhakhsaha badan inta uusan tartanku uusan dhammaan. Iyo aniga oo saaxiibadeey shaqo u raadinaya. Sax, Fanax? Dabcan wax soo saar sare, suuq gayn, ama darraasad samayn? Aalad waadax ah oo wax soo saar sare leh waa in ay kor u qaadaa wax soo saaridda, kana wax soo saar badan tahay kuwii hore, wax soo saarkana kaga jirtaa dhinaca hore!”
“Uhhh! Waxaa la moodaa arrin cabsi leh!” ayuu la soo booday Fanax. Isaga oo arkayay Sooyaan oo uu ugu horreeyo albaabka, raggii kalena ee geeska kale joogay, ayaa bilaabay in ay qaataan boorsooyinkoodii iyo iyaga oo dabagalay. “Fanax,” ayuu yidhi Sooyaan, “sharax dhibaatadaas mas’uuliyadu kaa saaran tahay (daynta) mar kale, ma kartaa?”
Dhammaantood horay ayeey u sii socdeen iyaga oo ku sii socday qolka dhexdiisa, labadiisa gacmoodna uu ku hayay luqunta Fanax iyo Yoonis. “Waad aragtaa,” ayuu yidhi Fanax, “aaladda qayb ka mid ah ayaa ku dhici karta alwaaxa, kuna dhici karta qof meel kale iska taagan. Markaas waa in aanu idin ilaalinaa adiga iyo kuwo kale ee maal geliyayaasha ah.”
“Haddii aaladda qayb ka mid ahi ay ku dhacdo qof meel iska taagan. Soo ma’ahan in laga badbaadiyo? Maxaad uga jeedaa?” ayuu yidhi Sooyaan, isaga oo su’aalo ku dawikhiyay Fanax, si uu ugu faa’iideeyo Yoonis.
“Qofka dhaawacmay waa uu ku dacwaynayaa, oo waxa uu dacwad kaaga soo oogayaa maxkamadda, si aad u bixisid dhibkii aad gaysatay-lacagtii lagu da- awayn lahaa, dhaqaalihii la lumay, masiibadii aad u keentay, iyo lacagtii kaaga baxday dacwadaada.” Socodkii kooxdii wuxuu kallifay in ay u soo dhawaadaan Sooyaan.
“Dacwadaase waxay iga dhigi kartaa hanti la’aan!” ayuu yidhi Sooyaan, isaga oo iska dhigaya mid walwalsan, haddana isha ku haya Yoonis.
Fanax ayaa hadalkii sii watay, isaga oo aan la socon in Sooyaan uu is tusayo Yoonis. “Markaas maskaxda wax soo saarta waxaa go’aan ka soo saartay Go- laha Guurtida si wixii dhibaato ah ee ku dhaca dadkaas xaqooda looga soo qaado.”
“Fikrad cusub oo kale?” ayuu ku celceliyay Yoonis isaga oo la moodi mid aan wax saas ah aan garanayn. “Kumaa haysta lahaanshaha warqadeed?” Fanax salxaanyihiisa ayuu kor u qaaday, waa uu sii watay, isaga oo aan danaynay Su’aasha Yoonis. “Waanu gudbinaa arjiyaddan, warqadahana wax¬aan ku qornaa ‘Mss.’ Magaca shirkadaada.” Fanax waa uu ku dhibtooday in uu furo boorsadiisa, isaga oo ka soo saaraya warqado isku xidhxidhan, oo haddana waxba aan ka tagayn. “Sooyaan, fadlan saxiix xariijintaas hoose.”
Yoonis waxaa ka yaabiyay luuqadda ay isticmaalayeen. ‘Waa maxay Mss.’ Ayuu waydiiyay.
Wakhtigan, Fanax ayaa u jawaabay. “’Mss’ waxa weeye ‘Mas’uuliyada Shaqsi ahaaneed ee Shirkadaha la leeyahay’ Haddii uu Sooyaan sharciyeeyo shirkaddiisa waxa uu luminayo waa lacag uu maalgashaday. Lacagtiisa kale oo dhan isaga ayaa iska leh waana ay u badbaadaysaa haddii la dacweeyo. Waxay la mid tahay oo kale caymis, Goluhuna waxay uruuriyaan xoogaa kale oo can-
shuur ah. Maadaama uu Goluhu xakameeyo khatarta ku imman karta haddii ay timaaddo dhaqaale beelid, dad faro badan ayaa maalgashanaya shirkadiisa, dana kama laha waxaanu samayno.”
“Tan ugu liidata ee dhici karta,” ayuu soo jeediyay Sooyaan, “waanu iibin karnaa shirkadda, oo iskaga tegi karnaa – laalaabid. Kadibna, waxaanu bi- laabi karnaa mid kale oo la siiyay magac cusub. Oo soo jiidasho cajiib leh, haah?” Markaasay Sooyaan indhihiisii qabteen gabadh dhallin yar taasoo ka soo daadagaysay buurta. Waa uu eegay intii ay gudbaysay, mana uusan arkin, maxaa yeelay, dhulka ayuu ku dhacay. Waxa uu Sooyaan isku mashquuliyay farahiisa isaga oo qabsanaya gidaarka, saarayana labadiisa gacmood. “Goow” waxa uu ahaa mid madluun ah, gacmihiisa iyo lugihiisa waxay u kala jeedeen dhinacyo kale gedisan. Waxa uu isku dayay in uu ka soo kaco dhulka, isaga oo ka cabanaya xoogaa xanuun ah gacantiisa iyo dhabarka hoostiisa ka haya. Qareenadiisa oo aad iyo aad u faraxsan, isna dhaafsanayey erayo farxad ay ku dheehan tahay. Qaarbaa Sooyaan ku caawiyay in ay u soo uruuriyaan waxyaabihii ka daatay jeebkiisa, qaar kalena waxay mashquul ku ahaayeen wax qoris, sawirid ku saabsan wixii dhacay. Qaar kalena waxay istaajiyeen haweeneeydii si ay uga qaataan magaceeda iyo ciwaankeeda.
“Waan dacwaynayaa!” ayuu ku dhawaaqay Sooyaan, isaga gacmihiisii dhi- igu ka daadanayey ku sii haya fasaleeti. “Wax baan ka qabanayaa cidda arrintan mas’uul ka ah, ee ugu sii jeedisay dhulka! Iyo adiga, gabadhaada dhallinyarada ah, waxaan isku arki doonaa maxkamadda maadaama aad mas’uul ka tahay in aad kalliftay dhibkayga!”
Iyada oo la yaaban eedayntan, haweeneeydii da’da yarayd waxay tidhi iyada oo is difaacaysa, “i dacwee? Ma’aan.! Ma garanaysaa cida aan ahay?”
“Waxba igama gelin,” ayuu ku jawaabay Sooyaan. “Aad laguu yaqaan kaba sii fiican. Waan ku dacweenayaa!”
Iyada oo is difaacaysa iskuna dayaysa in ay xakamayso ilmadeeda, waxay ku soo rogaal celisay, “Ma samayn kartid taas! Jacaylkayga, Liibaan, waxa uu yiraahdaa qoruxdaydu cidkasta ayeey u faa’iidaysaa-taas micnaheedu waxa we¬eye danta guud oo dhan. Waa uu ku dhawaaqay – waxa uu igu yidhi xalayto!” Durbadiiba, waxa ay gaadhay boorsadeeda si ay u hesho muraayad, iskuna fiiriso sida ay u ekaatay. Indheheeda wixii ay soo marisay ayaa ka sii ba’aya – tirtirmaya. “Hahhaha, eega hadda waxa aad ku samaysay danta guud! Waad ka xumaan doontaa! Liibaan waxa uu yiraahdaa cidkasta waa in ay qaybtooda ka qaataan danta guud, oo ay bixiyaan qaybtooda. Markastana isaga ayaa bixiya waxyaabaha aan isku qurxiyo. Waa hagaag, waad ka xumaandoontaa marka canshuurtaadu kugu kacdo, maxaa yeelay, waxaad samaysay awgeeed!” Dib ayeey muraayadeeda ugu celisay boorsadeeda, iskana dhaqaaqday iyada oo baadigoobaysa boolbare, kana baadigoobaysa aqalka gudihiisa.
Isaga oo u naxariisanaya haweeneeydii dhallinyarada ahayd, Yoonis waxa uu waydiiyay, “Ma dhab bay kaa tahay in aad dacwaynaysid? Sidee baad u eedaynaysaa iyada?”
Isaga aan dan ka lahayn cidna, Sooyaan waxa uu ku gurguurtay sibidhka, isaga oo baadigoobaya wax uun tusi kara in dayacaad uu ka muuqdo sibidhka. Farahiisa aan dhib sidaas ah aynaan gaarin ayuu u isticmaalayay sibidhka. Waa uu qayliyay, “Taasi waa in uu sababtaa, Fanax! Baadigoob oo soo ogoow cida ka mas’uul ka ah. Waan qaadanayaa shaqadiisa iyo lacagta uu haysto oo dhan. Iyo waxa uu yahay magaca gabadhaas?”
“U kaadi, Sooyaan,” ayuu Fanax yidhi. “Taasi waa gabadhii Bucur. Iska iloow dacwada haddii aad doonaysid in aad wax ka qabatid Sharciga Shaqaalaha Dhirta. Sidoo kale, daartana waa mid dawladdu ay leedahay, waana in aanu waydiisanaa isticmaalideeda Golaha Guurtida.”
Xariif aqli badan, Sooyaan ayuu ku dhawaaqay, “Dabcan, ku dar qodobada lagala hadlayo marwo Ashkira! Guurtidu dan kama laha haddii aanu dacwayno. Lacagtu kama imanayso jeebkooda. Run ahaantii, wax uun bay helayaan, iyaguna.” Waxa uu ku fikiray deeqda tartankeeda siyaasadeed ay u baahnaa karto, oo ay ka qaadan doonto. Sooyaan waxa uu u ekaa mid dhibaataysan. “Waxaan helay fursad aan ugu dhaadhici karo jeebabka ugu waa weyn, uguna culays badan, waana in aan la qaybsadaa marwo Ashkira! Waa kuu sheegi qaybteeda ayeey heshaa wax kasta oo ka dhaca jasiiraddan!”
“Waxaad waydiinaysaa marwo Ashkira in ay bixiso dhawacaaga?” ayuu waydiiyay Yoonis.
“Maya, nacas baad tahay,”ayuu la soo booday Sooyaan. “Waa ay innagu caawini kartaa in aynu u dhaadhacno canshuur bixiyeyaasha. Waxaan rajay- nayaa in aad bixisay canshuurtaada, saaxiib. Waxay noqon doontaa abaal- marin muhiim ah!”

aragtidaada nala wadaag...