Tuduca 27aad

Cakis ah
Yoonis oo askartii u akhrinayaan waxa toosan iyo waxa qalloocan.

Yoonis waxa uu la jaanqaaday Sooyaan, markaaseey ka soo dhexbaxeen dadkii kale ee faraha badnaa. Waxa uu bilaabay in uu dareemo in ay bacadlayaasha dawladdu ay yihiin kuwo jahwareer ka muuqdo, oo aanba u ekayn kuwo wax gargaari kara. Qoobtii buu iskaga tagay isaga oo niyad jaban weyn ka muuqdo. Hadda, waxa uu aad u baadigoobayaa, doonayaa in uu helo dekad iyo markab uu dhulkiisii uu ku tago.
Dhinacyada ka dambeeya bacadlayaasha dawladdu leedahay Yoonis waxa indhihiisu qabteen haweeneey xidhnayd qalabka qurxinta dumarka oo aad u heer sarreeya, iyo dhar dhaldhalaal badan ka muuqday oo casaan ah. Iyada oo nin kastaaba uu dhaafayey, haweeneeydii waa ay ilka caddaysay, waxayna u soo dhaqaaqday dhowr talaabo dhinaciisa, iyada oo isku dayaysa in ay la hadasho. Uma ekayn mid dawarsanaysa. Maya, Yoonis waxa uu mooday in ay wax iibi- nayso. Markii ay ku guulaysan wayday isku dayideedii in ay wax iibiso iyada oo misna isku dayaysa in ay hesho macmiil hor leh. Yoonis waxa uu la amakaagay in sida quruxda badan ay isku soo dhalaalisay loo aqoonsaday arrimaha la xiri- ira danta guud, oo uu ku dhawaaqay mudane Wadacas. Kabacdi waxa uu arkay haweeneey kale oo xirnayd dharka ciyaaryahannada lagu yaqaan, wajigeedana masawir riinji ah marsatay, kaasoo laga arkayay lugaheeda. Waxay ahayd qof furfuran, markaaseey ku dhaygagtay Yoonis Maskiin. Waxa uu doonayay in uu waydiiyo halka ay ka xigto dekadu. Laakiin, intii uusan afkiisa kala qaadid, oo uusan hadal, ciidanka nabadda oo agtiisa marayay ayaa durbadiiba gaadhigiisii hortiisa ku joojiyay.
Dhowr askar ah oo xidhnaa dhar madoow ayaa markiiba ka soo booday gaadhigii ciidanka nabadda, waxayna isku duubeen labadii dumarka ahaa, iyaga oo tukhuntukhaynaya ayeey misna gaadhigoodii ku riteen. Askartii albaabadii ayeey si xooggan iskugu dhufteen markaaseey xidheen oo ay iska tageen. Mid ka mid ah askartii waa uu ka hadhay, kaasoo wax qoranayay, kuna qoranayay buug madow oo uu ka soo saaray jeebkiisa.
Yoonis waxa uu jeclaa in askartani ay joogi lahaayeen markii isaga la xa- dayay. Maxay meel walba u joogaan, oo uu u waayay markii uu iyaga u baah- naa? Dabcan, markan ayuu u sheegi karaa xadistoodii ay u gaysteen si uu uga helo taageero. “Iga raali ahoow, mudane waxaan doonayaa in aan kula socodsiiyo in la i xaday.”
“Taasi ma’ahan waaxdayda,” ayuu ku jawaabay askarigii, isaga oo iska sii waday shaqadiisii uu wax ku qoranayay.
Yoonis ayaa waydiiyay, “Waaxdee baad ka shaqaysaa?”
“Dhaqan xumada,”ayuu yidhi ninkii.
“Maxaad tidhi?”
“Dhaqan xumada, ninkoow. Waaxdu waxay danaysaa kuwo ku kaca dhaqa- mada xun xun.”
“Waa hagaag, dabcan xadista la ii gaystay waa mid la halmaansha dhaqan
xumada.” Ma uusan helin wax jawaaba, Yoonis haddana waxa uu waydiiyay, “Maxaa dumarkaas loo xidhan?”
“Miyaadan ka garanayn dharka ay xirnaayeen?” Ninkii ugu dambaytii kor ayuu u eegay isaga oo joojinaya qoraalkiisii si uu u arko Yoonis. “Dumarkaasi waxay yihiin dambiilayaal ragga jirkooda ka iibinayay si ay u helaan lacag. Waxaa ka wanaagsanaan lahayd haddii ay wax uun isku bedelan lahaayeen.” “Wax uun isku bedelan lahaayeen? Maxaad uga jeedaa ‘wax uun isku bedelan lahaayeen’?”ayuu waydiiyay Yoonis, isaga oo aan danba ka lahayn dhibkiisa wakhtigan xiiso gaarana u hayn danta dumarkaas.
“Waxaan uga jeedaa,” ayuu yidhi ninkii askariga ahaa, isaga oo ku nuuxnu- uxsanaya erey kasta, “dumarkaasi waxay ahayd in ay madadaaliyaan marka ay casheeyaan, wax cabbaan, qoobka ciyaarka dheelaan, iyo iyaga oo hela tigidh ay ku aadaan golaha murtida iyo madadaalada, ee ma’ahan in ay qaataan lacag. Axsan waa in ay hormarisaa ganacsiga bulshada, kaasina waa sharci.”
Yoonis waa uu ku jahwareeray hadalkiisii, waana uun dawikhiyay. “Markaas sinnama looma oggola in ay iibiyaan jirkooda?”
“Waa ay jiraan wax la oggol yahay, dabcan. Tusaale, lacagta waa loo isticmaali karaa haddii riwaayad iyo filim dadka oo dhan la tusayo. Markaa taasi waxay noqonaysaa danta guud, ma’ahan mid shaqsi u gaar ah, waana la oggol yahay. Intii la xidhi lahaa, kuwo jilaya waxay noqdaan kuwo caan ah, dadkoo dhan ay yaqaanaan, lacag fiicanna waa ay ka sameeyaan.”
“Markaas waa khalad oo lama oggola in lacag lagu kala iibsado waxyaabaha anshaxumada bulshada u keenaya?”ayuu waydiiyay Yoonis.
“Waxaa kaloo la reebay, oo aan la oggolayn in la isdhaafsado lacag, khaasa- tan, marka haweeneeydu ay xidhan tahay dhar qurux badan iyo kabahaas aadka u dhaadheer,”ayuu yidhi ninkii, kuna yiri cod liidid ka muuqdo. “Wakhti kooban, oo cayiman sida saacad ama hal habeen, waa mid uu sharcigu ka soo horjeedo. Laakiin, in la isguursado, oo ay noqoto mid joogta ah, heshiis nololeed, markaas lacag waa la isdhaafsan karaa. Dhab ahaantii, waalidku in- taas ayeey ku dhiirigeliyaa caruurtoodu in ay sameeyaan. Tani waxaa ku jira sharaf iyo magac maamuusid. Waana ta keliya oo nolosha dadka kor u qaa- daysa waxna ka bedelaysa halka ay kaga jiraan bulshada iyo amnigoodaba.” Askarigii waxa uu dhamaystay qoraalkiisii uu ku mashquulsanaa, wuxu- una isku dayay in uu soo qabsado boorso uu watay. Waxa uu ka soo saaray dhagxaan, ulo iyo musbaaro. “Gacan ma i siin kartaa?”
“Dabcan,” ayuu yidhi Yoonis. Waxa uu ka fikiray warbixintii uu ninku siiyay oo ku saabsanaa dhaqanka suuban.
Ninkii askariga ahaa waa uu sii jeestay wuxuuna ku sii dhaqaaqay dukaanka agtiisa ahaa. Waxa uu gacantiisa ku qabsaday dhowr alwaax oo gidaarka ku dhagganaan markaasuu u baaqay Yoonis. “Dhinac kor uga qabo. Waxaan doonayaa in aan ku dhijiyo sabuuraddan darbiga ka soo horjeedka dariishadaha iyo albaabada dukaankan.”
“Maxaad ugu dhajinaysaa dukaankan?”
“Dukaanku waa xidhan yahay,” ayuu yidhi, kuna yidhi cod yara weyn isaga oo afkiisa wali ku haysta musbaaradii. “Maxaa yeelay kan iska leh waxaa lagu qabtay isaga oo iibinaya sawirro sharci darro ah. Haddana waxa uu ku jiraa xabsiga.”
“Waa maxay sawirrada sharci darrada ah?” ayuu waydiiyay Yoonis.
“Waa hagaag, sawirrada sharci darrada, aan sharci ahayn, oo ay ka muuq- daan waxyaabo anshax xuma ah.”
“Kan dukaanka iska leh miyaa samaynayay ‘anshaxumada’?”
“Maya, ee waxa uun uu iibinayay sawirrada.”
Yoonis waa in uu tan si gaar ah uga fikiraa isaga oo taxadarsan. Ninkii askariga ahaa waxa uu dhameeyay shaqadii uu hayay. “Markaas iibinta sawirro la mamnuucay waxay qofkaas ka dhigaysaa mid dambiile ah?”
Imminka waxaa la soo gaaray wakhtigii askarigu uu joojin lahaa, oo uu misna waydiin lahaa su’aalo Yoonis. “Waa hagaag, sideedaba, haahee. Dadka iibiya sawirro noocaas oo kale ah waa kuwo ah dambiilayaal. Dadka wax iibsada si sahlan ayaa loo duufsan karaa, waad og tahay.”
Yoonis waxa uu sacabkiisa ku dhuftay wajigiisa. “Waan fahmay. Tani waa in ay ahaataa xafiiska wargayska. Waad xirtaa kan wargayska sawirrada u soo qaada, oo soo qaada sawirrada dagaalka iyo dhimashada! Laakiin, war- gayskaagu dambi miyuu ku leeyahay in uu gacan ka gaysto in la soo qaado sawirrada dagaalka iyo dilista sababtoo ah waa ay daabacaan, waana ay iibiyaan sawirrada dadka wax dilaya iyo kuwa la dilayo?”
“Maya, Maya. Oouch! Xanfarkan dhagaxa iyo ulaha!” ayuu yidhi ninkii askariga ahaa, isaga oo ruxaya suulkiisa xanuunku hayo iyo isaga oo habaar- tamaya. Waxa uu la waayay musbaar, markaasuu ku dhuftay suulkiisa si lama filaan ah. Isaga oo qaadanaya alaabtiisii, waxa uu isku dayay in uu soo bilaabo. “Sawirrada aan sharciga ahayn waa kuwo dadka qaaqaawan ay ku sawirran yi- hiin. Sawirradaasi waxaa sameeya kuwo dhaqanka xun leh. Dadka dhaqanka wanaagsani ma’ay jecla, mana ay arki karaan sawirradaas. Dhinaca kale, marka laga eego,” ayuu yidhi ninkii, “sawirrada iyo qoraalada ku saabsan dagaalka iyo dad dilista, haddii si fiican loo habeeyo, waa arrimo dadka anshaxa su- uban iyo kuwa dhaqanka xun lehi ay gabi ahaantoodba dhici karto in ay wada akhristeen ama ay wada sameeyeen. Run ahaantii, sawirrada aan la eegi karin ama qoraalada naxdinta lehi ku muujisan warbixinta dagaalka iyo dad dilista waxay ku guulaysan karaan biladda saxaafadda.”
Markii uu musbaarkii ugu dambeeyay uu ku dhameeyay, Yoonis waa uu iska tagay. Wuxuuna garwaaqsaday in ninkani uu yahay mid mashquul ku ah dhaqanka xun, ee uusan waxba ka qaban karin xadista loo gaystay.

aragtidaada nala wadaag...