Tuduca 28aad

Faraxsan
Yoonis oo ka badbaaday dabin waxa uuna baranayaa cashar caafimaad.

Madoonaysaa in aad dareentid wanaag?” haweeneey xooggan oo yara buurran, xidhnaydna dhar ku dhaggan ayaa dhegta wax ugu sheegtay Yoonis, intii uusan dhaafin iyada. Timaheedu waxay ahaayeen kuwo isku laa laaban, oo qoyan, aana ahayn nadiif, oo isku qurmay. Iyada oo welwel- san ayeey eegtay dhinacyadeeda, haddana ku tidhi cod yara kacsan mar kale, “Madoonaysaa in aad dareentid wanaag?”
Sharraxaadii uu siiyey ninkii askariga ahaa markii uu ka hadlayay dhaqa- mada xunxun ayuu soo xusuustay, Yoonis waxa uu dareemay in uusan jawaab fiican siin haweeneeydii su’aashii ay waydiisay. Si kastaba ha ahaatee, hawee- neeydani ma ahayn mid jirkeeda iibinaysa, umaba ekayn. Markaas Yoonis, isaga oo ah mid run sheeg ah, oo macquul ah, ayaa ku jawaabay si daacadnimo ay ku jirto, “Miyeen cid waliba doonayn in ay dareemaan wanaag?”
“Ii kaalay,” ayeey tidhi haweeneeydii, iyada oo si fiican u qabanaysa gacan- tiisa. Waxayna u sii kaxaysatay waddo mugdi ah, oo uskag ah oo bolol xooggan ka muuqdo, lehna albaabo la moodo in ay yihiin mugdi. Tanina waxay Yoonis soo xusuusisay xadistii loo gaystay markii hore, wuxuuna isku dayay in uu is yara adkeeyo-isaga oo is ilaalinaya, iskana badbaadinaya urkaan karaahiyada ah. Intii uusan isku dayin in uu is difaaco, haweeneeydii waxay xidhay al- baabkii si wanaagsana ayeey u xidhay, oo ay u adkaysay. Waxay fadhiisisay Yoonis Miis korkiis. Dambiisheedana waxay ka soo saartay baako sigaar ah markaaseey midh kala soo baxday oo shidatay. Markiiba, qiiqbaa isqabsaday, oo ay neef qaadasho biloowday iyada oo aamusan.
Yoonis, isaga oo uu dareesan yahay meesha fadhixumida ka muuqda, ayuu haddana waydiiyay iyada, “Maxaad doonaysaa?”
Waxay hawada ku sii daysay qiiq aad u xooggan markaaseey tidhi, “Ma doonaysaa-qaad?”
“Waa maxay qaad?” ayuu waydiiyay Yoonis.
Haweeneeydii waxa ku abuurmay shaki. “Mataqaanid waxa la yiraahdo qaad?”
“Maya,” ayuu yidhi Yoonis, isaga oo bilaabaya in uu kor uga kaco miiskii, “iyo isaga oo leh dhab ahaantii ma doonayo, xiisana uma aan hayo, waad mahadsan tahay.”
Haweeneeydii waxay ku amartay in uu fadhiisto, isaga oo yara diidan ayuu ku fadhiistay miiskii. Kadib markii ay sii afuuftay sigaarkeedii, ayna si xooggan isaga u gilgishay, ayeey tidhi, “dheh, ma’aan ihi dadka halkan deggan, ma tahay?”
“Ma jiraan noocaas,” ayuu Yoonis si tartiib ah u yidhi. Waa uu ka walwalay hadalkeedii, isaga oo is leh malaga yaabaa in ay warkaaga gayso, oo ay warbixin bixisaa, laguna daraa dadka soo geleetida ah ee ku cusub dhulkan.
Intii uusan odhan wax kale haweeneeydii ayaa qaylisay, “Been abuur! Kaalay
soo bax, Xuseen.”
Albaab qarsoonaa ayaa markiiba furmay waxaaba ka dambeeya nin dheer, muraayad dhuuban iyo nin ciidamada nabadda ka tirsan oo xidhan dharkiisii askarta ayaa markiiba ka soo booday. “Sidee tahay?” ayuu askarigii waydiiyay Yoonis, isaga oo saaraya gacantiisa luqunta Yoonis. “Waxaan ahay Xuseen, tanina waa rafiiqay, Firdoos Cali. Waanu ka xunahay wakhtiga aanu kaalu- minay, waxaanu nahay ciidamo ku shaqeeya si qarsoodi ah, si aanu u tirtirno ganacsiga qaadka.” Isaga oo u sii jeesanaya Firdoos Cali waxa uu sii raaciyay, “Waan gaajaysnahay. Aynu wax siinno inankan da’da yar af-furasho fudud.” Waxay soo saareen sanduuq, baakado, iyo dhalooyin noocyo kala gedisan, lehna miisanno kale, duwan ayeey ka soo dhufteen armaajo. Markii wax walba la furay oo la kala dhigdhigay, miiskiina la wada wadhay, ayeey labadoodiiba bilaabeen in ay iscaawiyaan, kana qaataan wax alle iyo wixii ay u baahnaay- een. Yoonis markaasuu nafisay oo uu gartay in uusan wax dhibaato ah uusan ku jirin, markaasuu bilaabay in uu ku farxo cuntadan, bilaabayna in uu kala qaado afkiisii, soona dhaweeyay raashin cunistan. Waxaa yaalay raashimo kala gedisan, noocyo faro badan leh, roodhi markaas la soo sameeyay, sixin udgoon, malmalaado, xoogaa burcad ah, shukulaato, iyo raashimo noocyo badan leh. Xuseen waxa uu soo dhuftay xoogaa buskut macmacaan, oo la mariyay sixin iyo malmalaado dusheeda. “Faham,” ayuu yidhi isaga oo afkiisana uu raashin uga buuxo. Kor ayuu u lulay gacantiisa markaasuu miiska soo dhaafsiiyay isaga oo ku baaqaya, “Ma jiraan oo ma furna makhaayadda siyaasadda ee xafi- iska ganacsiga, miyeen run ahayn Firdoos Cali? Iyada oo qoslaysa waxa ay ku margan gaadhay raashinkii ay cunaysay oo ay markaas ku ridridaysay afkeeda.
Yoonis waxa uu ka qaatay xoogaa roodhi ah isaga oo marsanaya mal¬malaado, kadibna waa uu cunay, si uu gaajada iskaga bi’iyo. Isaga oo joojinaya wada hadalkiisii, waxa uu waydiiyay mar labaad, “Waa maxay qaad?”
Firdoos Cali waxay soo shubatay bun kuna darsatay saddex qaado oo sonkor ah, waxayna biloowday in ay walaaqdo, kuna walaaqday xoogaa caano ah, kadibna waxay ku jawaabtay, “qaadku waa mid aan sharci ahayn oo laga mam- nuucay Booliqaran. Haddii aad isku dayi lahayd in aad iibsato qaad oo aad aniga iga iibsan lahayd, waxa aad geli lahayd xabsi oo waxaad ku jiri lahayd toban sano iyo wax ka badan.” Firdoos Cali iyo Xuseen indhahoodii ayaa isku dhacay markaaseey is eegeen, kadibna waa ay isku qosleen.
Yoonis Maskiin waa uu la qoslay. Si sahlan ayuu uga badbaaday in uu galo xabsi. “Laakiin maxaa ka khaldan canadfaraxeedka? Ma dadkay ka dhigtaa kuwo ku xanuunsada? Ama kuwo dagaalama?”
“Ka siiba xun taas,” ayuu yidhi Xuseen isaga oo ka masaxaya garanki- isa malmalaado iyo sixin (subag). “Qaadku dadka waxa uu ka dhigaa kuwo faraxsan. Waxay u fadhiisteen si deggan iyaga oo riyoonaya.
“Ka raahiyo yaqyaqsi leh,” ayeey ku tidhi, Firdoos Cali iyada oo shidanaysa sigaar, mid kale u dhiibaysa Xuseen, korna u qaadanaysa xabad buskut ah, marsanaysana burcad ayeey tidhi, “Waxay leedahay is iloowsiin ka fog dhabta.” “Haahee ayuu yidhi Xuseen, isaga oo cabaysanaya qorigiisa, si xoogana u xidhanaya suunkiisa, haddana, midh kale oo buskut ahna afkiisa ku sii ri- daya. Yoonis wali ma uusan arag ruux intaas oo raashin ah mar qudha afki- isa wada gelin kara hadda ka horoow. “Dadka da’da yar wakhtigan la jooga mas’uuliyadooda si fiican uma qaataan, maba aha kuwo og mas’uuliyadooda. Haddaba marka ay qaad ay wakhtigooda ku lumiyaan, waxa aanu dib ugu soo celinaa wakhtiga ay joogaan, maanta. Waanu xidhnaa ‘iyaga oo dhan, oo aanu
ku xidhnaa quful xooggan.”
“Taasi ma iyageey u wanaagsan tahay?” ayuu waydiiyay Yoonis, isaga oo raadinaya wax uu afka iskaga masaxo, kuna raadinayo si taxadar uu ka muuqdo.
“Dabcan,” ayeey ku jawaabtay Firdoos Cali. “Ma cabi khamri, Xuseen?” Xuseen waxa uu qabsaday bakeeri markaasuu u soo taagay koob iyana. Waa uu buuxiyay. Iyada oo u soo jeesanaysa hadda su’aashii Yoonis, waxay ku jawaabtay, “Waad arki kartaa in qaadku uu yahay mid dadka qabta.” “Maxaad uga jeedaa?”
“Taas micnaheedu waxa weeye mar walba waxaad rabtaa in kale. Waxaad dareemaysaa in aad u baahan tahay si nolashaadu u ahaato mid dhamaystiran.” Yoonis waa uu yara fikiray. “Ma waxaad uga jeedaa sida raashinka oo kale?” ayuu yidhi, kuna yidhi cod aan sidaas aan loo maqli karayn.
Xuseen isaga ka maqsuudsan ayuu dhamaystay koobkiisii labaad ee kham- riga Wiskiga ahaa, markaasuu dhuuqay sigaarkiisa, isaga oo u dhuuqaya si xooggan. “Maya, Maya. Qaadku ma laha wax nafaqa ah, waana mid u daran caafimaadka sidiisaba. Ii soo dhiib aashteriiga aan iskaga daadiyee qashinka sigaarkeey, ma ii soo dhiibi kartaa, Firdoos Cali?”
“Oo haddii ay qaadku uu yahay mid caafimaadka u daran,” ayeey tidhi Firdoos Cali, iyada oo liqliqaysa xoogaa shukulaato ah, kuna cabaysa bun, “kadib dhamaanteen oo dhan ayaa wax ka bixinaya daawaynta kuwa xanuun- sada. Waad aragtaa, Golaha Guurtida waxa ay inoogu naxariistaan sidii loo taakulayn lahaa dadka xanuunsada, oo waaba mid ka mid ah sharcigeena, cid walibana wax bay ka bixiyaan kharashka lagu daaweenayo cid kasta. Waana mid ay iska saareen mas’uuliyad sare, muhiimna ma’ahan sida ay u dhaqmaan dadku, xitaa haddii aysan dan ka gelin caafimaadkooda, oo ay ku dhaqmaan dhaqamo xun iyo taxadar lahaa ay ku sameeyaan jirkooda iyo caafimaadkooda. Haddana, waa la daaweenayaa dadkaasna. Markaas, dadka cuna qaadka waxay inagu hayaan culays weyn.”
Yoonis isaga oo aad ula yaabban, “Oo haddii dadku ay dhibaato isu keenaa maxaa dadka kale ay uga bixinayaa daawayntooda. Miyeeynaan ahayn doqon- imo?”
“Waa ta keliya ee la samayn karo in loo naxariisto qofka kale,” ayuu yidhi Xuseen, waxa uu ka bixiyay xoogaa sharaxaad ah. “Mar walba dadka ayaanu canshuurnaa si aanu u xallino dhibaatooyinkooda. Golaha Guurtidu waxay hayaan xalal badan, waad og tahay, waxay bixiyaan mushaharkeenna iyo kha- rashka ku baxa kuwo dhambiyada gala ee ku jira xabsiyada. Ha iloowin marna Golaha Guurtidu waxay caawiyeen kuwa soo saara tubaakada, sonkorta, iyo caanoolleeyda, misna ah beeralleeyda si ay uga badbaadaan sannadkii xumaa ee ku habsaday sannadkii tagay. Kuwaasna waa kuwii caawiyay. Waa in ay dadka raashinkooda ay soo saaraan, oo miyaadanba ogayn? Canshuurtuna sidoo kale waxay suurta gelisaa in dadka xanuunsan lagu daweeyo. Waa ta keliya ee hagaagsan, oo ay dadka xadaaradda lehi samayn karaan. Fadlan soo gudbi Wiskiga, Firdoos Cali.”
Firdoos Cali waxay u soo dhiibtay dhaladii iyada oo madaxa ruxaysa, kuna raacaysa hadalkiisa. Kadibna, waxay shidatay sigaar hor leh, iyada oo ka soo saartay baakadii ay gacanteeda ku haysatay. Xuseen waa uu sii watay markaasuu yidhi, “Maxaa yeelay, waa mid la inooga baahan yahay in aynu caawinno qof kasta, waana in aan ognahay waxa uu sameeyo qof kasta.” “annaga?” ayuu waydiiyay Yoonis.
“Goow!” ayuu yidhi Xuseen. “Iga raali ahoow!” Waxa uu kala soo baxay kaniini dhalo jeebkiisa ku jirtay. “Marka aan leeyahay ‘annaga’ uma aan jeedo adiga iyo aniga khaasatan. Waxaan u jeedaa siyaasiinta ayaa wax walba inoo go’aamiya, ogna waxa inoo wanaagsan iyo waxa inoo xun, iyo kan sameeya wax khaldan sidii loo ciqaabi lahaa. Dhab ahaantii, waa arrin wanaagsan in kuwo waxa xun sameeya la ciqaabo. Ma fahmi kartaa arrintaas, Firdoos Cali? Si kastaba ha ahaatee, Golaha Guurtida ma’aha kuwo khalad sameeya, oo innaga oo kale ma’aha, maxaa yeelay, innagu waxaynu samaynaa khaladaad badan.” Xuseen waxa uu liqay dhowr xabbo oo kaniini cas. Codkiisuna waa uu yara is bedelay. “Si kastaba ahaateen, taasi caadi ma’ahan. Dabcan markasta waxaan idhaahdaa ‘annaga’ marka aan ka hadlayo iyaga. Firdoos Cali, ma doonaysaa xoogaa si aad maskaxdaada u dejisid?”
“Waa mahadsan tahay, laakiin uma aan baahni,” ayeey ku tidhi cod ixti- raam weyni ku jiro. Waxay ku siibatay alwaax ka samaysan aalad bir ah oo isaga ka soo horjeeday markaasay tidhi, “Caagayga midabka badhxan leh oo aan caruurta nuujiyo ayaa ka wanaagsan. Aroortii waa in aan cabaa bunkayga inta aan waxba qaban. Halkanse, isku day mid haddii aad doonaysid.”
Yoonis waxa uu wax ka ogaaday siyaasiinta uu la kulmay. “Siyaasiintu ma yihiin kuwo leh aqli ay ku hagaan bulshada, si ay u sameeyaan wax wanaagsan?” “Waa ay yihiin!” ayuu la soo booday Xuseen, isaga oo si fiican kursigiisa u ruxruxaya. Waxa uu shubtay koob kale oo Wiski ah, si uu ugu liqo kaniini kale, misna isaga oo eegaya Yoonis. “Haddii aysan dadku samayn wax wanaagsan, waxaanu baraynaa mas’uuliyadooda marka la soo xidho!” Xuseen waxa uu bilaabay in uu baryo mar kale, si ay ula cabaan khamrigii.
“Maya, waad ku mahadsan tahay,” ayuu ku yidhi Yoonis. “Maxaad uga jeedaan mas’uuliyadooda?”
Firdoos Cali waxay u soo durugtay in ay bunkeedii ku darsato xoogaa Wiski ah; markaaseey ku darsatay sonkor kale iyo caano. “Ma’aan aqaan – Hagaag, Xuseen, bal u sharax martideenna.”
“Haahee. Bal aan yara fikiro.” Xuseen dib ayuu u ruxay kurisgiisa markaa¬suu misna shitay xabad kale oo sigaar ah. Waa ku jeesjeestaynayay kursigi- isa wuxuuna ku sigtay in uu la dhaco. Horay ayuu u soo durkay isaga oo leh, “Mas’uuliyadda waa in ay ahaaataa; in aad aqbashid waxyaabaha aad samaysay waxa ay kallifaan. Haa, waa sidaas. Waa ta keliya ee aad ku kori kartid, waad og tahay, in aad wax baratid.” Agagaarka Xuseen waxaa qariyay qiiq uu sameeyay sigaarkii uu cabayay, isaga oo misna xoog u dhuuqaya, misna sii fikiraya, oo si qoto dheer uga fikiraya arrimaha mas’uuliyadda.
“Maya, Maya,” waxa hadalkiisii ka soo dhexgalay Firdoos Cali. “Taasi waa danaystenimo. Mas’uuliyaddu waa in ay dadka kale mas’uul noqdaan. Waad og tahay; marka aan ka ilaalino dhibaatada, waxaanu kala badbaadinaa iyaga iyo naftooda.”
Yoonis waxa uu waydiiyay, “Keebaa ah danayste? In aad naftaada ilaashatid ama in aad ku khasabtid dantaada dadka kale?”
“Waxa keliya oo jira mid qudha oo lagu ogaan karo tan,” ayuu ku dhawaaqay Xuseen. Waa uu istaagay isaga oo hal mar boodin samaynaya, kana soo samay- naya kursigii uu ku fadhiyay, kuna dhufanaya dhulka. “Aynu u kaxayno baadi- goobaha weyn. Haddii ay karto cid uun, waa ka uun sharaxi kara waxay tahay mas’uuliyaddu!”

aragtidaada nala wadaag...