Tuduca 29aad

Baadigoobkii Weynaa
Wadaad madax sare ah ayaa sharaxaya micnaha xorriyadda, mas’uuliyadda, iyo qalbiga wacan.

OOSKII waa uu sii balaadhay. Waxay ahayd galinkii dambe wakhtigii Yoonis iyo dadkii uu wehelka u ahaa, Firdoos Cali iyo Xuseen ay dib ugu soo noqdeen waddadii. Waa ay socdeen intii ay ka gaarayeen jardi- ino caws badan. Dadku waxay soo galayeen jardiinada, waxayna isugu imanay- een bartamaha jardiinada. “Wanaagsan,” ayeey tidhi Firdoos Cali. “Horay baan u nimid. Wakhti dhow halkan waxay noqonaysaa meel dad ay buuxsheen, kuwaasoo doonaya in ay maqlaan runta baadigoobaha weyn. Su’aalahaaga oo dhan ayuu isagu kaaga jawaabayaa.” Waxay fadhiisteen dhulkii cawska lahaa. Xuseen, waxaa ka guulaystay raashinkii iyo Wiskigii, markiiba waa uu iska dhacay, oo ku dhacay dhulkii doogga ahaa. Firdoos Cali waa ay aamustay. Agtooda ayeey dadkii fadhiisanayeen – dhirta hoostooda. Waxayna ku sugay- een baadigoobaha weyn, iyagoo wajigooduna ka muuqday farxad iyo raynrayn, iyo xiiso weyn oo ay u hayeen baadigoobaha weyn.
Nin dheer oo xoog weyn ayaa is dhextaagay dadkii. Indhihiisii waxay daawanayeen dadka jardiinada iskugu soo baxay. Dadkii oo gunuunicii joo- jiyay. Waxba ma uusan maqli karayn Yoonis.
“Nabadu waa dagaal! Xikmadu waa aqoon darro! Xoriyadu waa adoonsi!” Codkii ninka ee xoogga badnaa ayaa meel walba gariiriyay. Wuxuuna ahaa mid uu Yoonis si xooggan u dareemay, oo jirkiisa oo dhan gilgilay. Yoonis waxa uu eegay dadkii isku soo baxay oo dhan. Cidina kuma aysan wareerin erayadii baadhihii weynaa ku khudbaynayay.
Isaga oo aan war u hayn in uu hadlay, Yoonis waxaa ka soo yeedhay, “Max¬aad u tidhi ‘xoriyadu waa adoonsi’?”
Iyada oo la yaabban indha adkaanta Yoonis, Firdoos Cali waxay dhegta ugu sheegtay, “Waxaan idhi waa lagaaga jawaabayaa su’aalahaaga; ma’aan odhan waxaad waydiin kartaa su’aalo.”
Baadigoobihii weynaa ayaa si taxadar leh u eegay, isaga oo u eegaya si gaar ah, oo la moodo in uu imtixaamayo Yoonis. Waa kuma kan soo dhexgalay khudbadayda, ee misna kuba dhiirraday in uu wax i waydiiyo? Cid dhaqaaqday ma jirin. Cid horay wax u waydiisay oo dadka ka mid ahaa ma jirin, horay umaba aysan dhicin in su’aalba la waydiiyo. Codka keliya ee la maqli karayo waa neecoowda dhecaysay iyo sharqamteeda. Markaas kadib baadigoobihii weynaa waxa uu bilaabay gurxamid, una cadhaysan Yoonis iyo dadkii intiisa kale, “Xoriyad waa tan ugu weyn, misna ugu culus ee biniaadamku uu heli karo.” Cod dheer oo ka mid ahaa dadkii goobtaas joogay ayaa qayliyay, isaga oo gacantiisana kor u qaadaya, misna gacantiisa kale saaranaya madaxiisa, “Xoriyad waa tan ugu sarraysa!”
Yoonis ayaa ku adkaystay, “Waa maxay culayka xoriyada? Maxaa ka khal- dan?” Waa uu joojin kari waayay. Waxa uu doonayay in uu ogaado waxa uu ninkaasi ka hadlayay.
Ninkii isaga oo maskaxda ku haya labada qof ee wax su’aalay, ninkii waa uu sii watay, “Xoriyadu waa mas’uuliyad culus oo labka iyo dhedigaba la saar- ray, maxaa yeelay, waxay u baahan tahay, ma’ahan, in wax la sameeyo, ee waxay oggolaanaysaa in la isticmaalo maskaxda iyo waxa la doonayo.” Cod xooggan oo dheer oo la moodo in uu ka muuqdo walwal iyo baqdin culus ayuu ku yidhi baadigoobihii weynaa, “Xornimadu waxay kuu oggolaataa in aad mas’uuliyadaada ka soo baxdid!” Dadkii oo dib uboodaya, qaarkoodna ay soo dhawaynayaan hadalkiisii, oo ayba qaarkood sacab tumid bilaabeen, dhagahooduna ay si fiican u dhagaysanayaan hadaladiisii.
“Maxaad uga jeedaa ‘mas’uuliyadaada’?” ayuu waydiiyay Yoonis isaga oo kor u qaylinaya.
Isaga oo ka caraysan sida wax loo waydiinayo ayuu baadigoobihii wey- naa markiiba go’aansaday in uu si kale u abaaro arrinta hortaala. Wuxuu u ekaa mid dib u gurasho samaynayay, codkiisii waa uu sii yaraanayay, is¬aga oo uu ka muuqdo naxariis badan. Isaga oo muujinaya wadna-adayg ayuu yidhi, “Qaarkiin, walaalahayga qiimaha lehoow iyo hablahoow, ma dareensani- din khatarka ka hadalkaygu uu yeelan karo. Xidha indhihiina, qiyaas geedkan yar ee aan gacantayda ku haysto.” Codkiisu waxa uu ahaa mid daacadnimo weyn ka muuqatay, keentayna in dadkii ay is wada dhunkadaan.
Cidkasta marka laga reebo Yoonis, waxay isku qabteen indhahoodii, iyaga oo si xooggan iskugu qabana.
Iyaga oo isku dayaya in ay seexdaan, baadigoobihii weynaa waxa uu bi- laabay in uu muujiyo sawirka geedka uu gacanta uu ku hayo. “Kani waa geed yar laakiin daciif ah, jardiino dhir badan oo curdan ah ka baxaan laga soo goo’yay, kaasoo lagu beeray dhulka. Kamana mas’uul aha waxa ay samayso. Waxa ay samaysana waa mid iska uun yimid. Haahee, abuuris dhireed!”
“Imminka aad loo jecel yahay masawiro xayawaan. Xeelad badan, dooli in yar mashquul ah, oo ordaya, doonayana in uu helo yaamis, oo uu ka dhex helo dhirtaas. Kan dhogorta badan kama mas’uul aha waxa uu sameeyo. Waxa uu jiir sameeyo waa mid horay loo go’aamiyay. Haahee, dabeecadda. Dabi- iciga xayawaanka! Xayawaanka iyo dhirta midkoodna mas’uuliyad ma saarna, mana laha doonitaan, maxaa yeelay, midkoodna doorasho ma laha ay wax ku doortaan iyo qiimayn ay wax ku qiimeeyaan. Maba khaldami karaan!”
Dhowr ka mid ahaa dadkii ayaa qanuunacay iyaga oo leh, “Haa, baadi- goobihii weynaa, haa, haa, markaas way tahay.”
Hogaamiyahan codka kor u qaadaya waa uu sii xoogaystay islamarkiiba ninkii ugu dheeraa dadka, ayaa sii watay, “fura indhihiina eega dhinacyadiina! Biniaadam, kan adiga oo kale ah, oo wax dooran kara, lehna awood uu wax ku qiimeeyo, waa uu khaldami karaa ayaan idin leeyahay! Waxa uu qaataa waddo khaldan iyo isaga oo sameeya qiimayn khaldan dadka kalena wax yeesha. Xitaa aqoonta suurta gal noqon karta waxay kuu keentaa waxyeelo iyo kadeed kale. Kadeedkaas waa; mas’uuliyadaada.”
Dadkii baa isku soo dhawaaday. Wiil fadhiyay Yoonis agtiisa ayaa markiiba iska ooyay, “Ooh fadlan, mudane. Sidee baan tan iskaga ilaalin karnaa? Oo sheeg sida aan tan uga guulaysan karno, tan aadka u darran ee culayska weyn nagu haysa.”
“Waxay qaadanaysaa shaqo badan, laakiin wada jir ayaa looga hortagi karaa tan aadka u darran.” Isaga oo ku leh cod aad iyo aad daciif u ah Yoonis Maskiin waxa uu u janjeedhsaday dhinaciisa si uu u maqlo waxa uu leeyahay.
“I aamin anniga. Anniga ayaa go’aankaaga kuu gaaraya. Kadibna adiga dhibaatada, eeda, asiibada ay keento xoriyadu waad ka badbaadaysaa. Anniga ayaa dhabarka u dhiganaya kadeedkaas oo dhan.”
Kadibna baadigoobihii weynaa ayaa gacmihiisa kor u qaaday kuna qayliyay, “Hadda horay u soco, qofkasta oo idinka mid ah ha sameeyo. U dhaqaaqa waddooyinka, wadiiqooyinka, garaacana albaab kasta. Soo kaakiciya cid walba sida aan idiin ku sheegay, si ay u codeeyaan guushu gacantaada ayeey ku jirtaa, Golaha Guurtida ee talada haya!” Dadkii oo dhan waa ay soo dhaweeyeen iyaga oo ku dhawaaqaya cod aad u qaylo dheer, waa ay wada kaceen, oo ay isku sii daayeen jiha kasta. Waa ay is wada riixriixeen, oo ay sii bilaabeen riixriixid xooggan, iyaga oo u xiisa qaba in ay noqdaa midkastaaba kan ugu horreeya ee waddada ku dhaqaaqa.
Yoonis keliya iyo baadigoobihii weynaa ayaa goobtii looga tagay – iyo Xuseen oo imminka si fudud u hindhisoonaya. Yoonis waa uu fadhiistay is- aga oo rumayn la’. Waa uu daawaday dadkii, kadibna waxa uu ku dhaygagay ninkii. Baadigoobihii weynaa ayaa eegay dadkii ka dambeeyay Yoonis, isaga oo sii eegayey meel aad u shishaysa. Ugu dambayntii Yoonis waxa uu bilaabay in uu hadlo isaga oo waydiinaya su’aashii ugu dambaysay.
“Maxaa dhaqan wanaagan kallifay in ay go’aan kasta adiga kugu soo wa- reejiyaan?”
“Waxba,” ayuu ku jawaabay baadigoobihii weynaa. “Dhaqanka wanaagsan waxa keliya ee uu jiri karaa marka ay jirto xoriyada aad wax ku kala xulan kartid. Kuwa itaabacsan, xoolahayga, waxay ka jecel yihiin xasiloonida marka loo eego samaan. Adigase, waxaad tahay nin yar oo su’aalo badan, maxaad doorbidi lahayd? Igu caawi sidaan u heli lahaa doorashada, kadibna waan kugu caawinayaa wax kasta oo aad u baahan tahay. Aan kuu go’aamiyo annigu waxaad adigu u baahan tahay. Kadibna, su’aalahaagu wax muhiimad ah ma laha.”
Hadal la’aan isaga oo ah ayuu Yoonis eegay ciribta kabtiisa, iskagana tagay jardiinadii cawska badnayd. Wuxuuna sii maqlay baadigoobihii weynaa qosolki- isii oo ka yeerayay dhabarkiisa.

aragtidaada nala wadaag...