Tuduca 31aad

Aaminsan
Cod bixiye taageersan ayaa sharaxaya micnaha adeecsanaantu leedahay.

ARKI I uu sii dhamaanayeen sacabkii, musharax Madaxeey ayaa is liqay isaga oo aan dhaqaaqaynin. Misna isaga oo xiiso weyn u qaba in sawaxanku uu sii socdo, xiriiriyihii barnaamijka Axmed yare ayuu gacanta ka taabtay Madaxeey markaasuu banaanka ula baxay. Madaxeey ilki- hiisa ayuu caddeeyay waxna ma odhan. Markaasuu Axmed yare kor u qaaday gacantiisa si uu u aamusiyo dhagaystayaashii.
Madaxeey ayaa hadlay. “Waxaa halkan jooga qof aan doonayo in aad la kulantid.”
“Dabcan, Madaxeey, dhab ahaantii wakhti badan ma haysto.”
“Waxa keliya ay qaadanaysaa daqiiqad. Waxaan doonayaa in aan kuu sheego codbixiyayaasha guud – xisaabtankeenna koowaad waa codbixintiina – codbixinta guud.” Madaxeey waxa uu u jeestay dhinaciisa markaasuu u baaqay qof geeska kale taagnaa. Cidna uma iman Madaxeey; haddana mar kale ayuu u baaqay dadkii. Ugu dambayntii Haweeneey da’weyn oo wajigeedii qayirmay, oo xiiso weyn hayo, gacmaheedana ku haysatay alaabo isku laablaaban, ayaa markiiba horay u soo dhaqaaqday.
Axmed yare markiiba waxa uu soo dhaweeyay haweeneeydii isaga oo u soo dhawaanaya. “Marwooyin iyo mudanayaal,” ayuu yidhi Axmed yare isaga oo uu welwel ka muuqdo, kana xishoonaya haweeneeydii, tusayana in uu xiiso weyn u hayo. “Miyeeynaa inoo ahayn nasiib wanaag in aynu helno gunno maanta? Kumaa inala jooga halkan?”
Haweeneeydii weynayd, waxay xidhnayd dhar wacan oo lahaa midab madow iyo cadaan, Madaxeeyna wuxuu ahaa mid buunbuuninayey dharka ay xidhnayd. Wajigeeduna waxa uu u ekaa mid xidhxidhan, indheheeduna kuwa aan waxba eegayn, oo aanba ku eegayn. Timaheeda cirrada midabka qayirsan, waxaa loo shan leeyay si aad u wacan, waxayna gaarsiisnaayeen dhagaheeda hoost- ooda. Waxay soo qabsatay boorso midabkeedu uu yahay cadaan iyo madoow, markaaseey aad u sii qabsatay, si la moodo in ay tahay mid leh qiimo weyn.
Markii ay soo gaartay Madaxeey, waxa uu bilaabay in uu hadlo, oo uu bi- laabay hadal aan kala go’ lahayn. “Sida aad la socotid, Axmed yare, sannadadii la soo dhaafay, coddeynta jasiiraddan waxay ahayd mid aan wanaagsanayn, oo nasiib darran, laakiinse, taasi ma noqon mid niyadjab ku samaysay marti- dayada, Deeqa. Deeqa waxay noqotay tii ugu coddaynta badneed ee ka cod- deeysa Booliqaran!”
Axmed yare indhihiisa ayuu si aad ah u balaadhiyay, isaga oo misna amakaagsan. “Haaheey, waan ku aqaan adiga! Horay ayaan u maqlay arrimahaaga adiga, marwo. Kanina waa kii qaaday billada coddeeynta ee ugu dheerayd; Ku gu- ulaystaha billada coddeeynta; Horyaalka jasiiraddan ee awoodda. Marwooyin iyo mudanayaal, waxaanu nahay kuwii loo duceeyey mar haddii ay inala joogto, Deeqa Ciise!”
Mar labaad dadkii baa ku jawaabay sacabtumid iyo iyaga oo ku faraxsanaa hadalkeedii aad iyo aad loo soo dhaweenayay, inkastoo qaarkood ay ka sii bax- ayeen albaabka dambe. Qaar kalena ayba isqarinayeen, oo ay iska qarinayeen intooda kale.
“Deeqa,” ayuu yidhi iskudubaridihii barnaamijka Axmed yare, “Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo su’aal aan filayn in ay dadka maskaxdooda ku jirto.” Waa uu hakaday. Aamusnaan ayaa qolkii ku habsatay. Isaga oo codkiisa kor u qaadaya si cid waliba ay u maqasho, ayuu yidhi, “Maxaad si joogta ah aad ugu coddeeysaa?” Iyada oo u eegaysa si maskiinnimo ka muuqato, Deeqa waxay ku jawaabay cod naxariisi ka muuqato, oo macaan, “Waa hagaag, mu- dane, waa waajib i saaran in aan codeeyo; Tan waxaa ii sheegay Golaha Guur¬tida. Waxay yiraahdaan muhiimad ma’ahan cida aan u coddeeyso, maadaama aan codkaaga dhiibanaysid, oo aad coddeeynaysid. Sidaas daraadeed, waan coddeeyaa. Waan coddeeyey doorasho kasta laga soo bilaabo markii la ii og¬golaaday in aan coddeeyo ilaa iyo maanta oo laga joogo konton sanno.”
“Goow!” ayuu ku jawaabay Axmed yare. “Konton sanno! Taasi ma’ahan aqli gal, dadkoow!” Haddana mar kale ayeey dadkii tumeen sacabkii. “Laakiin aan ku waydiiyo su’aasha ugu muhiimsan ee uu coddeeyuhu ku waydiin karo, Deeqa. Waxaa jira odhaah odhanaysa: ‘Labada shar abuure kan xumaatada yar wali waa uun shar abuure.’ Haddaba hadda ii sheeg dhabta, marwo Deeqa, ma coddeeysaa xitaa marka aadan jeclayn midkoodna kuwan sharaxan?”
“Markasta, mudane. Aabaheey ayaa mar ii sheegay haddii aan coddeeyn, ma’ahan in aan cawdo hadhoow, oo aan ka cawdo madaxda la doorto. Waxaan u coddeeyaa si aan u difaaco xuquuqdayda aan ku cabanayo.”
“Taas ka warrama, dadkoow! Haddaba si daacad ah iigu sheeg, marwo Deeqa, Ma aad rumaysan tahay balanqaadyada Madaxeey uu leeyahay waan idiin samaynayaa haddii aad i doorataan?”
“Dabcan, waan aaminsanahay. Mar walba ayaan aaminsanahay. Haddii aan aaminsanayn miyaan u codeeyn lahaa?”
“Ma og tahay waxay leeyihiin dadka kaa soo horjeeda? Waxay ku anda- coonayaan in aad tahay tan keliya ee aamintay Booliqaran?”
“Haa, mudane, waan maqlay waxay iska dhaadhiciyeen,” ayeey ku jawaab- tay Deeqa, iyada oo ku leh cod aad daciif u ah, oo aan sidaas loo maqli karayn. “Waan aaminsannahay iyaga. Waan ku aaminsanahay adiga. Waan aamin- sanahay cid walba.”
Isaga oo ku sii jeesanaya dadkii, Axmed yare waxa uu saaray gacantiisa shafkiisa markaasuu yidhi, “Marwooyin iyo mudanayaal, wali ma maqasheen wax xoogyar sida caruurta. Miyeeynaa ahayn mid hagaagsan in wali ay jiraan kuwo niyad fiican, oo lagaba heli karo jasiiraddan dadka badankoodu ay yihiin kuwo naxariis daran.” Kadibna isaga oo uu u soo jeesanayo martidiisii waxa uu waydiiyay, “Adiga iyo Deeqa Ciise, waligiin madaxda aad doorateen ma noqdeen kuwo gabay shaqadooda?”
“Haahee dabcan,” ayeey tidhi Deeqa, “Waa kuwo markasta noqda dad gaba shaqadooda. Wakhti kasta waa ay yihiin kuwo gaba shaqadooda. Wax buu i yeelay wakhtiyo faro badan. Laakiin waan taageeraa madaxdayda, si kastaba ha ahaatee.” Waxay qabsatay gacantii Madaxeey markaaseey ku sii dhegtay iyadoo sii adkaynaysa. “Waan samayn wakhti kasta. Noloshu qiimo yeelan mayso haddii uusan jirin Madaxeey iyo kuwii isaga ka horeeyay ee ina meteli jiray isaga hortii!”
Dabadeedna waxaa qayliyey qof ka mid ahaa dadkii, “Maxaad u aaminaysaa
dhibkaas oo dhan oo madax xanuun kugu abuuraya?”
Waxay fiirisay Madaxeey, una eegtay si cadho ka muuqato, kuna jawaabtay, “Waxaan aaminsanahay in uu yahay mid niyad wanaagsan. Waa mid wanaag badan. Waan qabaa in uu isbedel samayn karo. Waana ku caawin karaa sidii uu isbedelkaas u samayn lahaa. Waxaan qabaa in uu ka shaqaynayo danahayaga oo uu naga fikirayo. Ima uusan fahmin.”
“Woow!” ayeey ku dhawaaqeen dadkii.
“Dadkoow, tani waa mid ilmo iga keenaysa. Laakiin, Deeqa, ilmadani waa mid walwal badani iga keentay iyo farxad. Qaar ka mid ah qoyskaaga waxay isku dayeen in ay si qarsoodi ah ay kaaga soo qeyb geliyaan codaynta.”
“Xaashaalilaa maya, mudane!” ayeey tidhi. “Codaynta qarsoon waa dadka ay dhibaato hayso. Wax dhibaato ah ima ay hayso. Ma waxaad mooday in ay dhibaato i hayso?”
“Deeqa, aqoonyahannada qaar baa yiraahda cod bixiyeyaasha la dhibay mar kasta waxay dib u doortaan madax isku mid ah, dhibka loo gaystay awgiis intuu doono ha la’ekaadee.”
Deeqa iyada oo kor u eegaysa Madaxeey ayeey isaga waydiisay, “Ma qof dhibaataysan ayaan ahay, Madaxeey? Uma aan malaynayo.” Iyadoo sii arkaysay in uu ilkahiisa yara caddeeyay, waxay tidhi, “Waan la istaagayaa wakiilkayga, mudanahayga.”
Gambaleel ayaa qayliyey una tilmaamaya Axmed yare in wakhtigii uu dham- maaday. Axmed yare waa uu qayliyey si cid waliba u maqasho, “Halkee baynu gaari lahayn haddii aysan jirin kuwo wax aaminsan sida Deeqa Ciise? Waa hagaag, marwooyin iyo mudanayaal, intaas ayuu ku eg yahay wakhtigii aynu haysanay. Waad ku mahadsan tihiin imaatinkii aad noogu timaadeen. Bal aynu tusno Deeqa Ciise iyo musharax Madaxeey intee in le’eg ee aynu jecelna- hay labadoodaba!”
Dadkii oo dhan ayaa farxad muujiyey soona dhaweeyay in uu barnaamijkii muhiimka ahi uu hadda uu bilaami doono.

aragtidaada nala wadaag...