Tuduca 32aad

Canshuuriddii Dhererka
Kuwa dhererka dhaadheer ayaa lagu soo rogay baaq cusub oo shumuc.

Yoonis waxa uu ku socday waddada tooska u galaysa bartamaha magaalada (faras magaalka), markii uu arkay nin si xarago badani ku jirto u labisan, oo jilbihiisa dhulka dhigay, isaga oo si xanuun ku jiro isku dayayey bal in uu gurguurto. Hadda ninku ma uusan ahayn mid curyaan ah, oo la’ lixdiisa lixaad; waxa uu ahaa mid gaaban. Yoonis waxa uu ugu deeqay macaawimo in uu u fidiyo, laakiin ninkii ayaa iska diiday.
“Maya, Mahadsanid!” ayuu yidhi ninkii isaga oo isku soo kogoya dareemayana xanuun. “Waan gurguuran karaa, waa yahay. In gurguurashada loo isticmaalo jilbaha lagu gurguurto, dadka qaar markiiba waa ay la qabsadaan.”
“Ma caadi baad tahay? Laakiin maxaad uga kici la’dahay ruugagaaga oo aad socodka u isticmaali la’dahay lugahaaga?”
“Ooooh!” ayuu ku qayliyay ninkii isaga oo xanuun wali sii dareemaya. “Waa arrin yar oo u baahan la qabsasho yar oo ku saabsan gurguurashada la xiriirta canshuur bixinta.”
“Canshuur bixinta?” ayuu ku jawaabay Yoonis.
“Maxaa ka khuseeya socodkaaga arrimaha baaqa canshuurta?”
“Wax kasta! Haahee!” imminka waxa uu ninkii ku sii fadhiistay cirbihiisa, isaga oo isku dayaya in uu ku nasto, kana nasto mixnadan uu isku keenay. Waxa uu la soo baxay safaleeti, kaasoo uu ka soo saaray jeebka shaadhkiisa. Wuxuuna iskaga tirtiray dhididkiisii. Miisaankiisii ayaa isbedelay, waxaana ka lifay markii uu xogxogday ruugagiisii mid ka mid, kadibna tii kale. Wax badan baa xogmay oo maqaarkii baa ka diirmay ruugagiisii. “Canshuur bixinta,” ayuu yidhi, “Dib ayaa loo cusbooneeyey si loo kala sarreeysiiyo dadka kala dhererka duwan.. ”
“Kala dherer gedisan?”ayuu waydiiyay Yoonis.
“Fadlan soo dhawaada is aan u qaylin,”ayuu codsaday ninkii.
“Sidaas ayaa wanaagsan. Golaha Guurtida ayaa go’aamiyay dadka dhaad- heer waxay leeyihiin faa’iidooyin faro badan.”
“Faa’iidada ay leedahay dheeraantu?”
“Haahee, haa! Dadka dhaadheer mar walba iyaga ayaa la siiyaa tixgelin marka ay shaqo doonayaan, la bixinayo abaalmarinta, la ciyaarayo ciyaaraha, la ismaaweelinayo, loo tartamayo siyaasadda, iyo xitaa marka la guursanayo! Ooooh!” Waxa uu duuduubay safaleetigii markaasuu ku ritay jeebka surwaalki- isa leh midabka cagaarka. “Markaas Golaha Guurtida ayaa talo ku soo jeediyay in nalagu soo rogo canshuurta dhererka.”
“Dadka dhaadheer waa la canshuuraa?” Yoonis waxa uu dhugtay geesaha waddada markaasuu dareemay in uu dhinac u janjeedho.
“Waa nala canshuuraa, oo si saami ah ayaa loo canshuuraa dhererkayaga.” “Cid ka soo horjeesatay ma jirtaa?” ayuu waydiiyay Yoonis.
“Keliya kuwa diiday in ay ruugagooda ku istaagaan,” ayuu yidhi ninkii.
“Dabcan, waxaanu oggolaanay in laga reebo siyaasiyiinta. Caadiyan waxaanu u coddeeynaa kuwa dhaadheer! Waanu jecelnahay in aanu kor u eego hog- gaamiyaashayada.”
Yoonis waxa uu noqday mid hadli kari waayay. Imminka wuxuu la yaabay arrintan gebi ahaanteed, isaga oo naftiisa ku dayaya dib u fugaasho. Labadiisa gacmoodna ku fiiqaya ninka rugagiisa waa uu su’aalay, “Waxaad ku soconaysaa ruugagaaga si aad u heshid canshuur dhaaf?”
“Dabcan!” ayuu ninkii ku jawaabay cod la moodo in uu xanuunsanayo. “Noloshayada oo dhan waxaa qaabeeyay sidii aanu u buuxin lahayn canshuurta. Waxaa jira qaar xitaa bilaabay in ay gurguurtaan.”
“Waaw! Taasi waa xanuun! Ayuu yidhi Yoonis.
“Haa, laakiin waxaa ka dhib badan haddii aadan samayn. Waaw! Nacasyada uun baa istaaga oo bixiya canshuur badan. Haddiise aad doonaysid in aad iska dhigtid mid aqli badan ku soco ruugagaaga. Waxay kugu kacaysaa wax badan in aad istaagtid.”
Yoonis waxa uu eeg eegay geesihiisa si uu u arko dadkii ku socday ruu- gagooda. Haweeneey waddada jaraysay ayaa si tartiib ah u gurguuranaysay. Dad badan oo sidaas ku socday ayaa garbahooda uun si fiican loo arkayay. Dhowr ayaa si islaweyni iyo geesinimo ku jirto, iyagoo taagan ku xaragoonayay socodkooda, oo aan danba ka lahayn sharciga lagu soo rogay. Kadib Yoonis waxa uu arkay saddex nin oo waddada geeskeeda kale joogay, kuwaasoo ku fad¬hiyay kursi dheer. “Saddexdaas nin,” ayuu yidhi Yoonis. “Maxay u qarinayaan indhahooda, dhagahooda, iyo afkooda?”
“Haahaa, iyaga? Waxay samaynayaa tababar qaadasho, ayuu ninkii ku jawaabay isagoo horay u soo durkayay isticmaalayana ruugiisa si uu horay ugu soo dhawaado. “Waxaan u diyaar garoowayaa qorshayaal isku wada xiga oo ku saabsan canshuurid hor leh.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *