Tuduca 33aad

Soo Galootiga Cusub
Shaqaalaha ajaanibka ah ayaa la ogaaday markaasaa la saaray.

A waxaad u malaynaysaa in ay dhibaato ku hayso?” ayuu yidhi ninkii weynaa, isagoo islaweyni ka muuqato, misna eegaya haweeneeydii. Haweeneeydu waxay welwel ka qabtaa dadka ay la xidhan tahay, maxaa yeelay, dadkan waa kuwa ay u aragto in ay ka hooseeyaan. Iyada oo qarka u saaran in ay ilmo ka soo daadato, waxayba la soo baxday safaleeti, si ay indhaheeda iskaga masaxdo, markaaseey tidhi, “Marka suxifiyiintu ay ogaadaan in aan ahay, marwo Filsan, waaba la i xidhayaa, shaqada ninkay- guna waa ay joogsanaysaa. Kumana aan fikirin in aan samaynayo wax khaldan. Maxaad samaysay?”
Iyadoo u soo jeesanaysa qoyska da’da yaree dhinaca kale kaga xidhan, marwo Filsan waa ay sii wadatay, “Sannado hore oo tagay, waxaan lahaa aqal weyn, saddex caruur ah, kuwaasoo dhigan jiray iskuul aad u wanaagsan, iyo annigoo doonayey in aan dib shaqadaydii aan ugu noqdo. Deriskayga waxa uu ahaa mid safar badan samayn jiray, sidaa daraadeed, maadaama aan doonayo in aan safar u baxo, waxaan waydiiyay dadka xaafadda looga tegi karo, si ay aqalkayga kor iiga ogaadaan. Waxa uu si wanaagsan u amaanay Warsame iyo Warsan, islamarkiiba waan shaqaaleeyey. Warsan waxay aad u taqaanaa sida loo hagaajiyo jardiinooyinka iyo rarista gaari dameerka. Waa ay samayn kar- taa wax kasta oo ka xumaada aqalka waana loo dirsan karaa adeegyada yara gaagaaban, sida suuq ka soo adeegida oo kale.”
“Sidoo kale, Warsame waa saaxiib qaali ah, in badana waxa uu badbaadiyay noloshayda. Waxa uu ku fiican yahay caruur haynta. Markasta oo aan u baah- dana waa mid aan heli karo. Waa mid wax karis wanaagsan, wax nadiifin og, iyo isaga oo caruurta timaha si fiican ugu jara; waxa uu sameeyaa wax walba, waana qof ka fiican cid kasta. Wiilashaydu waa kuwo si fiican ugu qanacsan, oo waxayba aad uga helaan buskudka uu u sameeyo. Marka aan aqalka imaado waan la nasan karaan odaygayga waana la ciyaari karaa caruurtayda.”
“Waa mid cid kasta u baahan tahay arrintan aad ka hadashay qof walba uu jecel yahay in uu helo waxaad haysatid,” ayuu yidhi Yoonis.
“Maxaa khaldamay?”
“Wax waliba waa ay wanaagsanaayeen markii hore, taasina waxay ahayd, intii aan odaygayga madax looga dhigin madaxa Rugta Sumcadda Ganacsiga. Kuwa ka soo horjeeda odaygayga ayaa baadhitaan ku sameeyay dhaqaala- hayaga, waxayna soo ogaadeen in aan bixin canshuurta shaqo gabista intii Warsame iyo Warsan ahaayeen shaqaalahayaga.”
“Maxaa ugu wacan?” ayuu yidhi Yoonis.
“Canshuurta oo ahayd mid qaali ah iyo mushaharkayga oo aad u hooseeya ayaa sababay in aanu bixin kari wayno. Maba aanu awoodi karin in aanu bixino canshuurta wakhtigaas. Sideedana dadka gaaray shaqo gabista maba helaan gunnooyinkooda.”
Warsame ayaa hadlay wuxuuna yidhi, “Warbixintu waa mid annaga dhib
noo leh.”
Xaaskiisa ayaa cunaha qabatay, damacdayna in ay aamusiiso iyadoo hadba dhagaha wax ugu sheegaysa, “Taxadar ahoow, Warsame. Dhib ayaa ka imman kara.”
Xaaskiisa isaga oo Warsame u jawaabaya ayuu si geesinimo ku jirto ku yidhi, “Marwo nacaawi. Hadda iyada ayaan caawinaynaa.” Kadibna waxa uu la hadlay marwo Filsan, wuxuuna yidhi, “Waxaad badbaadisay noloshayda. Waxaanu ka nimid jasiiradda Xaasidka. Waa dhul gaajo iyo meel uu dagaal aan dhamaanayn uu ka socdo. Ma lehin wax ikhtiyaar ah oo aan wax ku kala xulano; waa in aad iskaga tagtaa meesha gaajada badan, ama waaba lagugu dili.” Sidaa daraadeed, waxaanu u soo haajirnay Booliqaran. Marwo wax caawimaad ah ma jiro, waa uun dhimanaa.”
“Tani waa run,” ayeey tidhi Warsan, iyada oo ku leh cod aad u hooseeya. “Hadaba naga raali ahoow dhibaato ayaanu kuu keenay.”
Marwo Filsan iyada oo la soo boodaysa ayeey tidhi, “Odaygayga waxa uu luminayaa shaqadiisa loo dalacsiiyay ee laga dhigay madaxa Rugta Sumcadda Ganacsiga, iyo iyada oo xitaa ay dhici karto sideedaba in uu waayo shaqadi- isii hore. Waxa uu ahaa madaxa abaabulka kiisa koowaad, korna u qaadaya sharafta wadaniyadnimaddu ay leedahay. Kuwa ka soo horjeeda waxay ku tilmaamayaan in uu yahay munaafaq.”
“Munaafaq?” ayuu waydiiyay Yoonis.
“Haa. Madaxa abaabulka kiisa koowaad waxay ka soo horjeeddaa dadka soo galootiga ah.”
“Soo galootiga cusub?” ayuu ku celiyey Yoonis. “Waa kuwama soo ga- lootigii hore ee beri fog yimid Booliqaran?”
“Soo galootigii hore? Taasi waa inteena kale oo dhan,” ayeey tidhi marwo Filsan. “Halkani waa Jasiirad. Wakhti dheer ayeey awoowayaashayo yimaadeen halkan, dhamaantoodna waxay ka yimaadeen meel kale iyaga oo markaas ahaa soo galooti cusub, kuwaasoo ka soo cararaya cadaadis ama isku dayaya in ay noloshooda kor u qaadaan. Laakiin, soo galootigu waa kuwo cusub oo hor leh. Waa laga mamnuucay jasiiraddan.”
Yoonis waa ay u cuntami wayday. Ma uusan doonayn in uu ka sii fikiro waxa ku dhici kara haddii ay madaxdu ogaadaan in uu laftigiisu yahay soo galooti cusub. Isaga oo isku dayaya in uu xiisaynayo in xoogaa ah, ayuu haddana waydiiyay, “Maxaysan u doonayn soo galootiga cusub?”
Haweeneeydii kalluumaystada ahayd ayaa hadalkiisii soo dhexgashay, “Soo galootiga cusub waa la oggol yahay haddii ay isticmaalaan lacagtooda oo ay markiiba dib iskaga noqdaan. Waa in ay ahaadaan dalxiisayaal ama ganac- sadayaal. Laakiin, Golaha Guurtida waxay ka welwelsan yihiin kuwo soo ga- lootiga caydha ah, misna doonaya in ay joogaan. Intooda badan waa kuwo aad u shaqeeya, joogana wakhti dheer, kuna shaqeeya lacag aad u jaban, aqlina badan, kana geesinimo badan dadka ku nool Booliqaran. Waana kuwo qabta shaqo kasta oo aysan qabanaynin dadka kale.”
“U kaadi wax yar!” ayuu yidhi Jaamac. “Waxaa jira cabasho faro badan oo sax ah oo looga soo horjeedo dadka soo galootiga cusub. Inta badan dadka soo galootiga ah ma yaqaanaan luuqadda dhulkan, dhaqankeenna, ama sida loogu nool yahay iyo xeerarka u dhigan jasiiraddan. Waan soo dhawaynayaa shaqa badnaantooda iyo dadaalkooda faraha badan ee ay ku muujiyaan doonistooda. Waxay leeyihiin geesinimo weyn ay ku geliyaan naftooda halis fara badan, si ay u yimaadaan halkan, dhul aanba laga aqoon. Laakiin, wakhti ayeey ku
qaadataa in ay bartaan wax kasta, maxaa yeelay, ma haystaan wakhti dheeraad ah oo ay wax ku bartaan maadaama ay uun shaqeeyaan. Waana mid ka adag tii ay mareen awooweyaasheen markay ka yimaadeen dhulkooddii.”
Yoonis waxa uu xusuustay wakhtigii uu joogay Booliqaran iyo intii uu dhex- mushaaxayay dhulkaas aan intiisa badan la deganayn iyo bankiisa bannaan. Dadka badankoodu waa kuwo aan tegin hawdka dhirta badan, waana kuwa xiisa badan u haya meelaha lagu xoonsan yahay, oo ay dadku ku badan yihiin sida nolosha faras magaalka.
Marwo Filsan ayaa u jawaabtay Jaamac, “Odaygayga waxa uu soo band- higay doodaas ka soo horjeeda dadka soo galootiga ah. Markasta waxa uu yiraahdaa dadka soo galootiga ah waa in ay bartaan luuqaddeena iyo dhaqan- keenna inta aan loo oggolaan in ay ku noolaadaan Booliqaran. Waana in ay haystaan lacag, aqoona leeyihiin, iskuna filan yihiin, kadibna waa in loo oggolaadaa in ay ku noolaadaan halkay ka doonayaan Booliqaran. Odaygayga waxa uu qoray sharci cusub oo soo bandhigaya, kana saaraya Booliqaran dadka soo galootiga cusub ah ee aan buuxin karin sharuudaha ku qoran sharcigan. Sharcigan khuseeya soo galootiga cusub waxa uu aad u sii khuseeyaa caru- urtayada marka la barbardhigo dadka aqoonta dheer leh, sida Warsame iyo Warsan.”
Laba nin oo xidhnaa dhar iskuwada eg ayaa mar gudha ka soo baxay al- baabkii, mid kastaana waxa uu xadhig ku jiidayay eey madow. Waa ay sii socdeen iyaga oo si toos ah u abbaaraya marwo Filsan. Mid ka mid ahaa labadii nin ayaa u baaqay kii kale in uu ka furo silsiladii ku xidhnayd labadeeda lugood. Cod xooggan ayuu ku akhriyay qoraal ku qornaa warqad, isaga oo war- qaddana kor u haya, “Mudane marwo Filsan, waxaanu doonaynaa in aanu kaa raali gelino…” Haddana waa uu joojiyay isaga oo tusaya ninkii kale warqaddii, dhegtana wax ugu sheegaya, misna waa uu bilaabay mar kale. “Mudane marwo Filsan, waxaanu doonaynaa in aanu kaa raali gelino khaladaadkii dhacay ee ay keeneen isfahmi la’aanta. Marwo Filsan, waxaad ogaataa in arrinta la saxayo, ayna saxayaan dadka ugu sarreeya, uguna awoodda badan jasiiraddan.”
Iyadoo faraxsan ayay sii dabagashay dadkii hor kacayay oo aan misna ee- gayn Warsame iyo Warsan. Dadkii intoodii kalena waa ay sii daawadeen iya- goo ay aamusnaani ka soo hadhay uun. Markii Marwo Filsan ay sii libidhay, waardiyaashii waxay ku sii jeesteen Warsame iyo Warsan iyagoo ka furaya qu- fulkii, kana soo saaraya dadka intiisii kale, misna u sii kaxaynaya dhinaca kale oo ka soo horjeeda halka dadka lagu hayay, waardiyayaashii ayaa qayliyay, “xor baad tihiin waad iska tegi kartaan, wax yahoow xun. Ku noqda halkii aad ka timaadeen.”
“Wax dhib ah ma wadno! Ayeey ku cabatay Warsan. “Waa nala dilayaa!” “Taasi shuqulkayga ma’ahan,” ayuu ku yidhi waardiyihii.
Haweeneeydii kalluumaysatada ahayd ayaa yara sugtay intii ay ka soo gaaray- een dabaqa kore markaaseey albaabkii ka dambeeyay si xooggan u sii daysay, haddana neef xooggan siidaysay, “Haa waa sidaas.”
Yoonis waxa uu ku sii fikiray waxa qoyskaasu xaalkoodu noqon doono iyo tan naftiisaba. Kor ayuu u eegay, haddana waxa uu waydiiyay haweeneeydii, “Dadkan la soo xirxiray waa la soo xiray, maxaa yeelay, waxaa loo diidan yahay in ay shaqaystaan?”
Isagoo farta ku fiiqaya kii ugu dambeeyay dadkii silsiladaha ku xidhnaa, kaasoo gacmihiisa ku qarsanayay wajigiisa, haweeneeydiina waxay ku jawaab- tay, “Haddii aad u aragtid sidaas waa arrin ka reebis mudan. Dawladu waxay
rabtaa in uu is qoro askarinimo. Waa uu diiday. Sidaa darteed, isna waa la soo xidhay sidayada oo kale.”
Haweeneeydii kalluumaysatada ahayd ayaa u jawaabtay Yoonis, “Waxay yiraahdaan waa sida keliya ee aanu ku ilaashan karno xorriyaddeena iyo bulsho madax bannaan.” Erayadeedii waxay si xoogan ugu dhacayeen dhagihii Yoonis oo uu u dareemay si aad iyo aad u xoog badan.
“Yaad ka badbaadinaysaa?” ayuu waydiiyay Yoonis.
Haweeneeydii ayaa u iftiimisay, “Kuwa nagu xidhi silsiladaha.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *