Tuduca 34aad

Dacwo Maxkamadeed
Yoonis waxa uu baranayaa daruus ku saabsan waxyaabaha mas’uuliyaddiisu tahay.

Markii ay arkeen hoggaamiyahooda, Ibraahim, oo u sii socda dhinaca albaabku ku yaallo, raggii kale ee taagnaa geeska kale waxay kor u qaadeen boorsooyinkoodii, dabadeedna waxay dabagaleen Ibraahim. “Geedi Aadan,” ayuu yidhi Ibraahim, “Ii sharax dhibaatada mas’uuliyaddu kaa saaran tahay, ma sharixi kartaa?” Ibraahim waxa uu doonayaa in uu tuso Yoonis sida wanaagsan ee qareenkiisu shaqadiisa u qabtay.
Dadkii oo dhan ayaa sii socday iyagoo sii dhexmaraya qolka dhexdiisa, Ibraahimna wuxuu gacmahiisa ku haystaa qoorta Geedi Aadan iyo Yoonis. “Waad aragtaa,” ayuu yidhi Geedi Aadan, “aalada birta ahi waa ay ka bixi kartaa usha, kuna dhici kartaa qof meeshaas iska maraya ama taagan. Sidaa daraadeed, waa in aynu badbaadinaa adiga iyo dadka kale ee maalgashadayaasha ah.”
“I badbaadi haddii ay aalada birta ahi ku dhacdo cid kale? Wax kasta oo aad u jeedo dan kama lihi?” ayuu yidhi Ibraahim, isagoo ku dawikhiyay qareenkii su’aalo faro badan.
“Kan la dhaawacay waxaa u suurtoowda in uu ku dacweeyo, iskuna dayo in aad bixisid dhibaatada aad gaysatay; dhaqaalihii uu waayay, jahwareerkii iyo masiibadii aad u gaysatay, lacagtii kaga baxday dacwadaada, iyo wixii la mid ah.” Kooxdii la socotay Ibraahim ayaa ku istaagay ciribtii Yoonis, wax- ayna ahaayeen kuwo doonayay in aysan marna ka harin Ibraahim; oo waa ay daba ruclaynayeen, si ay u gaaraan Ibraahim. Kuwa jilibka ku socday socod- koodu wuxuu ahaa mid dhib badan, laakiin waxay ahaayeen kuwo dhibkoodaas qarsanayay, si gaar ahna iskaga ilaalinayay bixinta canshuur sannadeedka si aan loogaba qaadin.
“Dacwo la igu furo dhibaateey ii keenaysaa!” ayuu yidhi Ibraahim isaga oo uu taxadar weyni ka muuqo, haddana, si gaar ah u eegayay Yoonis indhihiisa.
Geedi Aadan ayaa sii watay, isagoo aan warna u hayn in uu ciyaarayo bilyaardi. “Fikrad aad u sarraysa ayeey soo bandhigeen Golaha Guurtida, si ay adiga dhibaata kuu iman karta kaaga dul qaadaan.”
“Fikrad kale oo cusub? Yaase iska leh lahaanshaha sharciyeed ee fikradaas?” ayuu yidhi Yoonis.
Geedi Aadan ayaa kor u ruxay madaxiisa, kadibna isaga oo is iloowsiinaya su’aasha Yoonis, waa uu sii watay, “Waanu buuxinaa arjiyadan kadibna wax¬aanu ku qornaa erayga ‘Mss.’ Magaca shirkadaada hoostiisa.” haddana aan waxba ka tagaynin, Geedi Aadan waa ay ku adkaatay in uu furo bashqad ay ku jireen warqado dhowr ah. “Taasi waxay i xasuusisay, mudane Warbadanle, fadlan saxiix xariijinta ugu hoosaysa.”
Yoonis waa ay soo jiidatay. “Waa maxay ‘Mss.’?” Ayuu waydiiyay.
“Mss.’ Micnaheedu waxa weeye ‘Mas’uuliyada Shaqsi ahaaneed ee Shirkada Ganacsiga,’” ayuu yidhi Geedi Aadan. “Haddii mudane Warbadanle uu shar-
ciyeeyo shirkadiisa, lacagta uu ku luminayo dacwada lagu soo oogo waa tan uu maalgelinta horay ugu sameeyay. Hantidiisa inteeda kale waa u badbaa- daysaa. Waxay la mid tahay caymis canshuureed ay iibinayaa Golaha Guur- tidu. Maadaama uu Goluhu xakameeyo hantida lumi karta, dad faro badan ayaa maalgashanaya shirkadda. Wax badana kama ogayn waxaanu ku samayno lacagtooda.”
“Haddii ay wax waliba xumaadaana.” ayuu yidhi Ibraahim, “Waanu xidhi karnaa shirkada, haddana, waa aynu iskaga tegi karnaan. Kadibna, waxaanu bilaabi karnaa shirkad kale oo magac kale leh. Tan waxaa ku jira xariifnimo soo jiidasho sare leh, haahee?”
Durbadiiba Ibraahim indhihiisii waxay qabteen gabadh ka soo socotay qolka geeskiisa kale. Waxay ahayd mid si fiican u xarakoonaysay, isna qaloocinaysay, isqalqaloocinteeduna waa uu ka badan yahay inta sharcigu uu oggol yahay ee loogu talagalay waddooyinka shicibku wada maro. Isaga oo sii eegaya intii ay ka gudbaysay, Ibraahim waa taraaraxay, turunturooday, dhacay, misna isaga oo jahwareersan ayuu gacmahiisii ku qabsaday gidaarkii. “Goow!” Waxa uu ka dareemay xanuun gacmihiisa iyo luguhiisa u sii kale jeeda dhinac kasta. Waxa uu isku dayay in uu soo kaco, oo uu si fiican uga soo kaco sibidhka dushiisa, misna isaga oo ka cabanaya xanuun xooggan gacantiisa iyo dhabarkiisa hoost- iisa. Qareenadiisa ayaa ku soo xoomay markiibana bilaabay in ay hadal ku dawakhiyaan. Dhowr qof ayaa caawiyay, kuna caawiyay in ay soo qabtaan alaabadiisii ka dhacday jeebabkiisa, halka intoodii kalena ay ku mashquul- sanaayeen sidii ay u qori lahaayeen wixii halkaas ka dhacay. Waa ay qoreen waxkasta haddana sawireen sagxaddii ay wax ka dhaceen.
“Waan dacwaynayaa!” ayuu ku dhawaaqay Ibraahim, isaga oo gacmihi¬isa dhiigu ka da’ayeen ku haya safaleeti. “Wax baan ka qabanayaa qofka ka mas’uulka ah dhibaatadan igu dhacday! Adiguse gabadh yahay waxaynu isku arki doonaa maxkamada maadaama aad ka mas’uul tahay dhibkan isoo gaaray!” Durbadiiba waxaa ku soo qamaamay dhowr qareen ah gabadhii, wax- ayna ahaayeen kuwo uguba yeedhayay magaceeda, yaqaanayna ciwaanka ay deggenayd.
Gabadhii waa ay la yaabtay, haddana, waxay si geesinimo ku jirto ku tidhi, “i dacwee? Ma garanaysaa cidda aan ahay?”
“Dan kama lihi,” ayuu yidhi Ibraahim, misna isaga oo sii eegaya gabadhii, si aad u xooggana u eegaya, “Wixii weyn baa fiican. Waan ku dacwaynayaa!”
Iyadoo welwelsan haddana isdifaacaysa ayeey waxay tidhi, “Ma samayn kartid taas! Saaxiibkeey, Cali, waa Cali Bucur e,” waa ay ku celisay iyadoo ku nuuxnuuxsanaysa, “wuxuu yiraahdaa quruxdaydu waxay u faa’iidaysaa cid walba; taasina waa mid shicibka u wada wanaagsan. Waa uuna ii sheegay in ay faa’iido u leedahay danta guud; xitaa wuxuu ii sheegay xalayto.” Islamarkiiba waxay furatay boorsadeeda si ay muraayad ugala soo baxdo. Markii ay isku eegtay waxay aragtay ma’aysan jeclaan. Indhaheedu indhakuushii marsanayd waa ay isku dhexyaacday. “Bal hadda eeg waxaad ku samaysay danta guud! Saaxiibkeey mar walba isaga ayaa bixiya kharashka ku baxa isqurxintayda. Waa hagaag, waad ka xumaan doontaa! Canshuurtaadu kor ayay u kici doontaa arrintan awgeed! Waxay dib ugu celisay muraayadeedii boorsadii ay ka soo saartay, haddana, waxay u dhaqaaqday baadigoob ay qolka ka eegayso wax boolbara ah in uu yaalo, si ay u isticmaasho, oo ay u marsato.
Yoonis isaga oo xoogaa naxariis ah inanta u haya ayuu misna waydiiyay, “Dacwayntaadu ma dhab bay kaa tahay? Sidee baa iyada loogu eedayn karaa wixii adiga kugu dhacay?”
Ibraahim waa uu iska dhagatiray su’aalihii Yoonis. Wuxuuna bilaabay in
uu qun yar u socdo, kuna socday sibidhkii, misna isagoo eegaya khaladaadka caawin karaya dacwadiisa iyo wixii caddayma ah ee uu sagxaddan ka soo uru- ursan karayo. Waa uu istaagay isaga oo aad u caraysan, haddana, qaylinaya, “Kaas ayaa ugu wacan, Geedi Aadan! Baadigoob cidda ka mas’uulka ah. Waan la wareegayaa shaqadiisa iyo lacagta uu haysto oo dhan. Maxay ahayd magaca gabadhaasi?”
“Is qabooji, Ibraahim,” ayuu yidhi Geedi Aadan. “Taasi waa gabadhii Bu- cur. Iska iloow iyada haddii aad doonaysid in laga noqdo Sharciga Shaqaalaha Dhirta jara. Sikastaba ha ahaatee, aqalkan waa guri qasri ah. Go’aanka Golaha Guurtida uun baa dacwayn kara canshuur bixiyeyaasha.”
Ibraahim ilkihiisa ayuu caddeeyay isaga oo leh, “Geedi Aadan, waxaad tahay mid aqli badan. Ku dar arrimaha ay ka hadlayso Marwo Ashkira! Dab¬can, Golaha Guurtidu dan kama laha haddii aynu dacwayno guriga qasriga ah. Lacagta la bixin doono kama imanayso jeebkooda. Wax baanu xitaa kaa si- inaynaa wixii aanu ka helno dacwada.” Waxa uu iswaydiiyay isagoo amakaagsan waxa uu isna u samayn doono Marwo Ashkira. Ibraahim xanuunkii hayay waa uu sii yaraanayaa. “Arrintani waa mid aan lacag ku heli karayo.”
“Waxaad waydiisanaysaa Golaha Guurtida in ay bixiyaan shashafadaada?” ayuu waydiiyay Yoonis.
“May nacasyahoow,” ayuu ku jawaabay Ibraahim. “Golaha Guurtida waxay leeyihiin awoodda ugu sarraysa Mss. Maya, waxay i siin doonaan lacag shicibku ay u bixiyaan canshuur ahaan. Waxaan helayaa lacag badan!”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *