Tuduca 35aad

Mabaadii’
Dhakhtar ayaa sharaxaya muhiimada ay noloshu u leedahay shaqsiga.

Yoonis waxa uu dabagalay dadkii la socday Ibraahim, dadkaas oo wakhtigaas ka soo baxayay qasriga Golaha Guurtida. Waxayna ahaayeen kuwo baadigoob ugu dhaqaaqay sidii ay ku heli lahaayeen taageero caafimaad. Halka ka soo horjeeda qasriga waa daar weyn oo is wada haysata oo qarisay waddada oo dhan, taasoo midabkeedu uu ahaa cadaan. Kooxdii waxay ka galeen albaabkii ugu dhawaa. Durbadiiba waxay maqleen dhawaaq xooggan, kaasoo ka imaanayay dariishad furnayd, xoogaa yarna ka durugsan daarta ay gudaheeda ay soo galeen. Yoonis oo markaas marshabiyeediga ku socday ayaa gaaray dariishaddii qayladu ka soo baxaysay. Wuxuuna gaaray dariishaddii iyada oo albaabkii loo xidhayo. Waxa uu qabsaday dariishadda qayb ka mid ah, isaga oo sii xajisanaya, si ay u sii furnaato.
“Iska tag,” ayeey ku dhawaaqday haweeneey gudaha ku jirtay. Waxay ahayd mid cadhaysnayd, wajigeeduna waa uu sii casaaday.
“Maxaa ka jira halkaas? Ayuu waydiiyay Yoonis. “Waa maxay qayladaasi?”
“Wax adiga ku khuseeya ma’ahan. Hadda sii daa!”
Isaga oo sii welwelsan ayuu Yoonis sii adkeeyay haysashadiisii. “Horta waa in aad ii sheegtaa waxaad samaynaysid! Qofbaad waxyeelaysaa!”
“Dabcan cidbaanu waxyeelaynaa,” ayeey tidhi haweeneeydii. “Sidee kale baanu ku daawayn karnaa? I aamin aniga, waxaan ahay dhakhtar.”
Intaas baa igu filan, Yoonis Maskiin waxa uu arkay magaca haweeneeyda oo uu ku qoran yahay dharka ay xidhnayd; Dhakhtar Xaawo Geedi. Yoonis waxa uu yidhi, “Dadkaad waxyeeshaan si aad u daawaysaan? Maxaad u sii dayn la’dihiin?”
“Jin baa ku jira, oo aanu ka daawaynaynaa. Mararka qaarkii, waxba kama qaban karno haddii bukaan socodku aan waxyeelno,” ayeey dhakhtaradii tidhi. Iyada oo ku wareersan su’aalahan Yoonis ku dawakhiyay, waxay baadigoobtay taageero wax tari kara, si ay ula xaajooto inankan xushmad darrada badan. “Haahee, waa caadi,” ayeey tidhi haweeneeydii. “Waan caddayn karaa in aan caawino dadka. Soo soco inta aad ka soo gaaraysid albaabka kale ee dhi- nacaas ku yaal, kadibna waxaan ku siinayaa tababar sahlan oo aad ku aragtid waxqabadkayaga.”
Isaga oo shakisan, Yoonis ugu dambayntii waa uu sii daayay sii haynti- isii uu sii hayay dariishadda, kuna sii socday halkii ay ku tidhi ka soo gal. Ibraahim iyo dadkii kale waxay ka galeen isla albaabkaas, laakiin Yoonis ma uusan arag meel ay joogaan. Waxa uu dalaq soo yidhi qol ay buuxiyeen dad badan, dadkaasoo ahaa kuwo waaweyn, dhexdhexaad, iyo kuwo da’yar, wax¬ayna ahaayeen kuwo fadhiyay ama taagnaa, oo garabkoodu is wada taabanay- een, safnaana derbiga dhinaciisa kale. Qaarkood waxay u qaylinayeen si aad u qaylo dheer, korna u hayay gacmahooda iyo lugahooda ay ku duubnaayeen faashado, kuna xidhnaayeen loox la iskula qabtay. Inta kalena waxay ahaayeen
kuwo gurxan badan, marba talaabo qaadayay amaba ay taageero xooggan u fidinayeen qaraabadooda. Dad badan waxay haysteen sariiro iyo alaabtii ay wax ku karsanayeen oo ku tiirsanaa agtooda. Yoonis waxa uu is yidhi intee in le’eg ayeey dadkani sugi doonaan.
Dhakhtarad Xaawo waxay furtay albaab ku dhexyaalay gudaha markaaseey gacanta ugu yeedhay Yoonis. Dadkii oo dhan ayaa joojiyay wixii ay qabanay- een, haddana waa ay wada aamuseen. Yoonis marka uu sii dhaafaba, dadku waa sii eegayeen. Dakhtaraddii waxay soo gelisay qol aan dariishado aan la¬hayn, oo ay ka buuxaan miisas, karaaniyaal, iyo warqado faro badan oo qariyay qolka oo dhan. Waxay ku sii hagtay albaab kale, kaasoo la moodo qol mas- raxeed oo ay yaalleen kuraas aad u faro badan. Ur xooggan ayaa markiiba harqiyey Yoonis, taasoo dawikhisay, si fiicanna u dareemay urtaas.
Daawadayaal badan ayaa isa soo tubay dhinacyada. Hoostana waxaa joogay dhowr qof oo isugu jiray rag iyo dumar oo xidhnaa dhar cad, waana dharka ay xidhaan dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka, kuwaasoo ku xoon- sanaa qof jirranaa, oo ku xidhnaa miis hoos yaalay.
“Si loo daaweeyo bukaan socodkan,” ayeey cod aad u hooseeya ku tidhi, “Daaweeyayaasha asal raaca ihi waxay furaan meel uu dhiigga qofka xanu- unsani uu ka baxo. Marmarna waxaanu isticmaalnaa qalab dhiigga ka soo nuuga.” Waxay farta ku fiiqday miis bukaan socodka agtiisa yaalay, kaasoo ay kor saarnaayeen mindiyo, wax la iskula qabto, mushamacyo, iyo dhalooyin noocyo badan kuwaasoo leh culaysyo kala gedisan. Waxay markiiba soo qabsa- tay baaquli weyn oo bir ka samaysan, bir dhuuban oo wax la iskula qabto, iyo suul dad. Yoonis markii uu arkay qalabkaas oo dhan waa uu ku xanuunsaday.
“Haddii ay taasi shaqayn waydo, dhamaantayo rag iyo dumarba waxaanu la dagaalanaa jinka ku jira oo aanu sumaynaa. Waxaanu si gaar ah u jecelnahay in aanu isticmaalo suntan loo yaqaan aarseenik, nooca kale ee loo yaqaan stiib- niitee, iyo meerkuuri. Horumar weyn baanu ka gaarnay cilmiga caafimaadka! Si fiican ii dhagayso, qarniga soo socda guusha aanu caafimaadka ka gaarnay qiimo weyn bay ugu fadhiyi doontaa jiilasha innaga dambeeya.”
“Taasi miyeen ahayn suntii wax dili jirtay?” ayuu yidhi Yoonis. Waxa uu soo xusuustay alaabihii la isku dari jiray ee uu adeerkii uu ka iibin jiray suntan lagu dilo dooliga. Yoonis isaga oo si mugdi ku jiro uu berigii hore u maqli jiray in dadku ay u isticmaali jireen daawo ahaan suntan dadka waxyeesha. Laakiinse miyeeynaan isticmaalida noocan oo kale aysan beri hore dhamaanin?
“Lama taageeri karo,” ayeey tidhi. “Kala jarrid, sawir, iyo in la sumeeyo waa ta keliya ee aan khatar lahayn ee sida hagaagsan loogu daawayn karo.” “Immisa jeer ayeey tani shaqaysaa?”
“Daawayntani waa mid lagu guulaysto mar walba, waana mid sideedaba la dagaalanta jinka boqolkiiba boqol! Haddana,” waa ay yara hakatay, “Bukaan socodka aanu daawayno waa kuwo todobaatan boqolkii ka badbaada suntan.” Yoonis waxa uu eegay mid ka mid ah dhakhaatiirtii oo kala dilaacinaya caloosha qofkii uu daawaynayay. Waxaa ka soo daatay dhiig badan. “Waa maxay cudurka haya?”
“Waxaa haya nafaqo la’aan iyo jirkiisa oo qudhmay .” Ayeey ku jawaaabtay Dhakhtar Xaawo. “Waanu hubnaa.”
“Miyaysan jirin si kale oo lagu daaweeyo?”
“Maye!” ayeey tidhi iyada oo madaxeeda sii ruxruxaysa. “Qaar baa sheega in ay jirto si kale oo lagu daawayn karo. Waa Eebe mahadiis in aysan la- hayn sharci ay ku daaweeyaan dadka xanuunsan. Dhakhaatiirtu ma’ahan in lagu qiimeeyo oo keliya haysashada aqoonsiga dhakhtarnimo, ee waa in la fi- iriyaa aqoontooda ay u leeyihiin cilmiga dhakhtarnimada, maadaama ay da- awaynayaan dad xanuunsan. Waa in aynu ka mamnuucnaa kuwa sheegta in ay yihiin dhakhaatiir, oo aan lahayn aqoontii ay ku daawayn lahaayeen dadka xanuunsan, ka hadla oo keliya qaabka cunto qaadashada nidaamsan, daawaynta dhirta, kuwa isticmaala muducyo far dhuuban leh, oo qofka lagu mud mudo jirkiisa, toobista, ducaysiga ku salaysan diinta uu qofka xanuunsani aamin- san yahay, qaadashada hawada saafiga ah, jir ciyaarsiinta, iyo qofka xanuun- san oo mararka qaarkood niyadiisa ka dhaadhiciya in uu xanuunsan yahay,” haddana cod cadhaysan, “qosol! Marka aanu qabano kuwa sheegta in ay yi- hiin dhakhaatiir waanu xidhnaa oo waxaanu ku tuurnaa beerta xayawaanka, markaasaanu furahana luminaa!”
“Daawaynta noocaasi ihi ma shaqeeyeen mar uun?” ayuu waydiiyay Yoonis, isaga oo uu ku waydiinaya cod yara daciif ah.
“Daawayn! Haddii ay shaqeeyaan waa mid ku timid nasiib,” ayeey ku jawaabtay. Yoonis waxa uu dareemay in uu wajigeedu uu bararsan yahay. Barta kaga taalla sankeeda cas waa astaan qofkii mar uun arkaa uusan ilaawi karayn mar kale, waxayna lahayn mid beey oo kale ah. Dhakhtar Xaawo neef- teeda ayaaba ku dili karta.
“Laakiise maxaa dhacaya haddii uu qof bukaan socod ah uu doorto mid ka mid ah kuwo aad diidan tihiin in ay isticmaalaan?”ayuu waydiiyay Yoonis. “Yaa ka mas’uul ah naftooda?”
“Sida saxda ah!” ayeey tidhi. Yoonis waxa uu soo jeeday maaddada uu je- cel yahay. Dhakhtaraddii waxay ka soo kaxaysay Yoonis deyrkii uu u dhawaa haddana iyada oo wajigeeda horkeenaysa labadeeda gacmood ayeey is kale dhaafsiisay, haddana gacanteedii mid ka mid ah ayeey saartay daankeeda. Dhakhtaraddii iyada oo hadlaysa ayeey tidhi, “Yaa ka mas’uul ah naftooda? Qaar ka mid ah danaysteyaashan xanuunsan ayaa mooda in ay noloshoodu iyaga gaar u tahay! Waxay ilaawaan in ay nafwaliba ay ka dhaxayso dadka oo dhan. Dhamaanteen waxaynu ka soo jeedaan dadkii hore iyo kuwo hadda nool, kuwaasoo dhamaantoon isku wada xidhan. Bulsho caafimaad qabta waxaa looga baahan yahay iyaga iyo kuwooda aqoonta lehi in ay badbaadiyaan ku- wooda xanuunsan in aysan talo xun ku kicin taasoo naftooda waxyeeli karta. Qiyaas! Kuwa buka qaarbaa doonaya in ay naftooda qaadaan! Waxaanu si wacan ugu diyaar garoownay sidii aanu u go’aamin lahayn goorta iyo sida loo dawayno kuwo xanuunsan.”
Dhakhtaraddii waa ay aamustay si ay u fikirto, hadda waa ay sii wadatay hadalkeedii, “Golaha Guurtida si wanaagsan ayeey u bixiyaan kharashka lagu daaweeyo dadka xanuunsan ee ku nool jasiiraddan. Shaqaale caafimaad qaba waxay bixiyaan qeybta kaga soo aada canshuurtooda ayeey go’aamiyeen Golaha Guurtidu. Waa in la is waafajiyaa si dadka xanuunsani aysan khaladaad weyn u samayn, oo aan dadka lacagtooda loo isticmaalin si aan ku habboonayn.” Qolkii waxaa buuxiyay dhiig faro badan oo dhulkii harqiyay kaasoo ka imanayay dadkii xanuunsanaa. Adeegayaashii ayaa amar la siiyay si ay sibidhka u nadiifiyaan. Dhakhaatiirtii wax qalaysay ayaa helay isbuunyo iyo alaabo kale oo ay ku nadiifiyaan. Dhakhtar Xaawo waxay is agtaagtay Yoonis, wajigeedana waxaa ka muuqday welwel badan. “Waad dareensanahay xanuunkooda,” ayeey ku tidhi Yoonis.
“Sidee baad ku heshay warqadda aqoonsiga dhakhtarnimada,” ayuu way¬diiyay Yoonis, “ma si aad u go’aamisid arrimaha la xiriira dhimashada iyo
noolaanshaha?”
“Waxay qaadataa wakhti dheer in lagu noqdo dhakhtar. Waa in uu qofku uu dhakhtarnimada uu ka soo bartaa dugsiga lagu dhigo tacliinta la xidhiidha caafimaadka aasaasiga ah. Waa in uu dhakhtarku imtixaanno faro badan uu ku gudbaa. Sida ay go’aamiyeen saaxiibadayo ka mid ka ah Golaha Guurtida, waanu xidhnay mid ka mid ahaa labada dugsi ee ku yaalay Booliqaran lagana baran jiray cilmiga caafimaadka, si aanu mid qudha xoogayaga iskugu gayno, si aanu kor u qaado tacliinta cilmiga caafimaadka ee aasaasiga ah. Sannado faro badan oo la barto daraasaadka cilmiga iyo habdhaqameedka ayaa kor u qaada tayada cilmiga caafimaadka aasaasiga ah. Ururka Badbaadada Dhakhaati- irta ayaa bixiya aqoonsiga dhakhtarnimo iyo ku shaqaynta dhakhtarnimo ee Booliqaran. Ururkan oo shaqadiisu tahay kor u qaadidda iyo ilaalinta sharciga ay ku shaqeeyaan dhakhaatiirta.
“Mushahar sarreeya?” ayuu yidhi Yoonis.
“Intaas ha noo ahaato hadda.” Dhakhtaraddii oo si xun u eegaysa Yoonis ayaa ku amartay in uu iska tago. Laakiin Yoonis waa uu diiday in uu joojiyo su’aalihiisii. “Sidee baad ku og tahay dhakhtarka wanaagsan iyo kan xun?”
“Waanu xakamaynaa kuwa naxariista daran iyo kuwo aan taxadarin. Ma jiro dhakhtar xun,” ayeey tidhi. “Dhakhaatiirta hela aqoonsiga dhakhtarnimo waa kuwo aqoon u leh cilmiga dhakhtarnimada. Dabcan waa jiraan xan – mana joojin karno xantan khusaysa dhakhtarka wanaagsan iyo kan xun. Laakiin waanu ka ilaalinaa qiimayntayada xan iyo tuhun wax la mid ah, maxaa yee- lay, ma’ahan wax jira.” Durbadiiba waa ay riixday Yoonis iyadoo ka saaraysa albaabkii qolka dabadeedna waa ay xidhay markiiba.

aragtidaada nala wadaag...