Tuduca 36aad

Aqallada Hortooda
Haweeneey dhalinyara ah ayaa ka hadashay walwalka ay ka qabto
aqallada.
ADDADII dadkii waa ay ka sii yaraadeen Yoonis Maskiin qoobtii ayuu iskaga tagay. Aqallo isku xigxiga ayaa qariyay waddadii. Qorraxdu waa ay sii dhacaysay. Dadka badankooduna waxay iskugu tagayeen aqalladooda. Yoonis safaleeti qurux badan ayuu qortiisa ku xidhay. Yoonis waxa uu dhaafay qayb kale oo aqallo ah. Durbadiiba waxa uu arkay koox dad ah oo xidhnaa dhar yara liitay, saboolnimana ka muuqatay, kuwaasoo isugu soo baxay banaanka saddex daar hortood. Dadkaasina waxay hortaagnaayeen saddexda aqal oo ay ku hor qornaayeen B, T, iyo J.
Sarta B cidi kuma jirin waxaana ka muuqday dayac la’aan – burbur fool xun, dariishaduhu waxay ahaayeen kuwo jajaban oo wasakh badani ka muuqatay. Albaabka ku xiga jaranjarada waxaa ku xoonsanaa dad hor tubnaa daarta magaceedu yahay T. Yoonis waxa uu maqlay dhawaaq ka imanaya gudaha daarta iyo jabaq yara xooggan, coddad daddeed oo ka soo baxayay dabaqa koowaad, labaad iyo sadexaad. Dariishadihii iyo aqalka hortiisa waxaa ku wadhnaa dhar la dhaqay. Waxaa iska lahaa dadkii degganaa daarta, kuwaasoo ahaa dad iyagu kiraystay.
Sartan waxaa ka dambeeya daarta J. Waa daar nadiif ah, si wanaagsana loo dayactiray sida daarta B – dadba ma joogaan. Dariishadahoodana waxay ahaayeen kuwo aad loo hagaajiyay, si wacana looga dareemi karo kuleelka qor- raxda; gidaarkooduna waxay ahaayeen kuwo si fiican loo nadiifay.
Islamarkiiba Yoonis ayaa la soo booday. “Dheh,” ayeey waydiisay gabadhii da’da yarayd. “Ma taqaan aqal la kiraynayo?”
“Waan ka xumahay,” ayuu yidhi Yoonis. “Ma’aan deggani halkan. Maxaad u soo fiirin la’dahay labada daar ee bannaan?”
“Wax qiima ah malaha,” ayeey ku jawaabtay gabadhii da’da yarayd. Waxay leedahay timo qurux badan oo dahabi ah iyo cod aad iyo aad u sarreeya. Waxayna xidhnayd dhar ku dhaganaa, laakiin Yoonis wuxuu u arkayay in ay ahayd mid aad iyo aad u qurux badan. Waxay ahayd mid kalsooni badani ka muuqato oo aqli badan. Waa uu doonayay in uu caawiyo gabadha da’da yar.
“Maxaa ugu wacan in aan la kirayn labadaa daarood?” ayuu waydiiyay Yoonis. “Waxay iigu muuqdaan kuwo bannaan.”
“Haa, waa ay yihiin. Reerkayaga ayaa degganaan jiray daarta B intii aysan marwo Ashkira ka dhamayn Golaha Guurtida in ay ku soo rogaan sharciga xakamaynta kirada aqallada.”
“Waa maxay xakamaynta kirada aqallada?” ayuu waydiiyay Yoonis.
“Kor looma qaadi karo kirada aqallada wixii hadda ka dambeeya.”
“Maxaa ugu wacan?” ayuu waydiiyay Yoonis.
“Waa sheeko dheer oo nacasnimo ay ka buuxdo,” ayeey gabadhii da’da yarayd ku jawaabtay. “Wakhti hore markii uu soo mari jiray xaafadayada Mashiinkii Riyada, aabaheey iyo dadka kaleba waxay ka caban jireen kirada ay
kor u qaadayaan dadka aqallada iska leh. Run ahaantiin, wax waliba qaali ayeey ahaayeen, dad badana waxay ka iman jireen qaybaheeda kale ee jasiiraddan, laakiin aabaheey wuxuu odhan jiray ma’ahan in aan bixiyo kirada qaaliga ah. Sidaa daraadeed, aabaheey, kiraysteyaasha kale, ama dadkii horay u kiraysan jiray aan idhaahdee, waxay codsadeen in Golaha Guurtida ay xakameeyaan kuwo aqallada iska leh, si aysan kor ugu qaadin kirada aqallada ay ka kireeyaan dadka ka kiraysta. Golaha Guurtiduna waa ku raaceen. Kadibna Golaha Guurtidu waxay shaqaaleeyeen kormeereyaal iyo qaalliyaal hubiya in aysan kiro hor leh aysan ku kordhin dadka aqallada ka kiraysta kuwo aqallada iska leh.”
“Waa hagaag, xakamaynta kiradu waa in ay ka farxisaa kuwo aqallada kiraysta,”
“Haa, marka hore. Aabaheey waa uu ku qancay kirada aan kordhaynin. Laakiin tani waxay keentay in aan dadka aqallada kirayn jiray aysan dhisin aqallo cusub iyo in ay dayac tiraan kuwoodii hore.”
“Maxaa yeelay?”
“Waxay yiraahdeen qiimaha wax waliba kor ayeey u kaceen – qiimaha wax lagu dayactiro ama dib loogu hagaajiyo, kan lagu shaqaaleeyo waardiyeyaasha, maamulayaasha, isticmaalidda biyaha iyo korontada, tan canshuurta iyo wixii la mid ah -laakiin dadka iska leh aqallada kor uma qaadi karaan qiimaha lagu kiraysto aqallada, si ay ugu bixiyaa kharashkan kor u sii kacaya. Sidaa daraadeed, waa ay dhimaan meeshii ay ka dhimi karaan adeegooda. Sabab loo dhisaana ma jiraan aqallo hor leh, maxaa yeelay, haddii aad dhisto lacag uun baa kaa khasaaraysa?”
“Canshuurtu ma kor bay u kacday?” ayuu waydiiyay Yoonis.
“Dabcan – si mushaharka loo siiyo kormeeraha, xaakimka iyo kuwa jooga qasriga Golaha Guurtida. Mushahaarada iyo shaqaaluhuba waa in ay kord- haan,” ayeey tidhi haweeneeydii. “Golaha Guurtida waxay go’aamiyeen in ay xakameeyaan lacagta lagu kiraysto aqallada, laakiin wali kumaba fikirin in ay xakameeyaan canshuurta! Waa hagaag, dhawaan dadka aqallada iska leh waa la wada nacayaa.”
“Berigii hore lama necbaan jirin dadka aqallada iska leh?”
“Waa hagaag, aabaheey wuxuu yidhi kama aan helin in aan kiro siiyo kan aan aqalka ka kiraystay haddana mar walba oo uu haysto aqallo bannaan misna uu doonayo in uu kireeyo wuxuu noqdaa mid si wanaagsan oo wacan ula hadla dadka doonaya in ay ka kiraystaan aqalladooda. Dadka kireeya aqallada waa kuwo furfuran oo si aad iyo aad u sarraysa ula xaajoodo kuwa doonaya in ay ka kiraystaan aqalladooda, si wacana waa ay u hagaajiyaan aqallada ay kiraynayaan. Dadka aqallada kiraysta waa ay isu gudbiyaan wararka la xiriira kiraynta aqallada, oo waa ay ogyihiin kuwa wanaagsan iyo kuwa xun. Waana ay ka foojigan yihiin kuwo xun xun, kamana kiraystaan aqalladooda. Waa dhihi kartaan kuwo wanaagsan si wacan ayaa looga kiraystaa aqalladooda, kuwa xuna aqalladoodu waa ay iska bannaan yihiin oo cidi kama kiraysato.” “Markii aqallada lagu soo rogay xakamaynta kirada cid waliba waxay no- qotay mid caraysan,” ayeey haweeneeydii tidhi iyada oo si xun u sii eegaysa Yoonis. Waa ay fadhiisatay haweeneeydii, Yoonis Maskiin waa uu ku soo biiray haweeneeydii isaga oo agteeda fadhiisanaya. “Wax waliba kor ayeey u sii ka- cayaan marka laga reebo kirada aqallada. Dadka aqallada kireeya waxay hoos u dhigeen dayactirida aqallada si ay kharashkooda u dhimaan. Kadibna dadka aqallada laga kireeyo waxay noqdeen kuwo caraysan. Waxayna bilaabeen in ay
u dacwoodaan kormeeraha. Kormeeruhu wuxuu ku soo oogay dadka aqallada kireeya in ay jabiyeen sharcigii – khaas ahaan kuwo aan wax laaluush ah si- inin kormeeraha. Dadka aqallada kireeyaa markii ay khasaareen kharash faro badan, khaasatan kuwoodii daacadnimadu ka muuqatay waa ay iskaga tageen ka ganacsigii daartii B. Aqalladii la kiraysan jiray waa ay sii yaraadeen, dadkii raadinayay aqallo ay kiraystaana waa ay sii kordheen. Imminka aqallo dhawr ah ayaa la kireeyaa marka la barbardhigo kuwii la kirayn jiray intii aan sharciga xakamaynta kirada aysan soo saarin Golaha Guurtida! Kuwo dabeecadda xun ee kireeya daarta T ma’ahan kuwo ka welwelaya in aqalladooda looga baxo, maxaa yeelay, baahidii loo qabay waa ay sii korodhay. Imminka dad aad u faro badan ayaa raadinaya meel ay degaan. Dadka aqallada kireeya oo aan dan ka lahayn waxba waxay noqdeen kuwo lacag badan sameeya si hoos hoos ahna ula xaajooda dadka aqallada ka kiraysta, sidaa daraadeed, waxay noqdeen kuwo ka faa’iiday.
Yoonis isma uusan odhan dadka aqallada iska lehi waa ay iskaga tagi karaan aqalladooda! “Dadka aqallada iska lehi qaar baa xidhay oo iskaga tagay aqal- ladoodii?’
“Taasi waa run,” ayeey haweeneeydii tidhi. “Cid mushaharkooda wax ka badan qaadan karaa ma jiro marka laga reebo Golaha Guurtida. Goluhu wuxuu ku fikirayaa in ay la wareegaan aqallada la iskaga tagay oo ay ka dhigaan aqallo lagu maamulo lacagta canshuur bixiyeyaasha.”
“Ka warran daarta T ee halkaas ku taal oo la iskugu keenay dadkii oo dhan?” ayuu yidhi Yoonis isaga oo isku dayaya in uu u fidiyo mucaawino. “Meeli ma ka bannaan tahay daarta T?”
“Waa mid buuxa cidina kama baxayso. Dadkuna waxa ay sugaan wakhti aad u dheer. Markii ay dhimatay marwo Maryan maad aragtid sidii ay wax ahaayeen – cid waliba waxay isku dayaysay in ay liiska ka saarto qof kale si uu meesha ugu sarraysa magaciisu u noqdo. Wiilka marwo Ashkira ayaa ugu danbayntii helay aqalkii – inkastoo aan cidi hore u arag isaga oo safka ku jira. Qoyskaygu mar baanu isku daynay in aanu ku wada noolaano hal qol laakiin kormeeraha ayaa noo diiday oo yidhi sharciga aqallada ayaa ka soo horjeeda in qoyskaagu ku wada noolaado hal qol.”
“Waa maxay sharciga aqallada.” ayuu waydiiyay Yoonis.
Haweeneeydii da’da yarayd iyada oo daalan doonaysana in ay tixgelin dheer- aad ah siiso Yoonis ayeey su’aashiisii uga jawaabtay. “Waa hagaag sharciga aqallada waa kan khuseeya sida loo dhisayo iyo waxa lagu samaynayo aqalka. Tani waxay ku xidhan tahay hadba sida ay Golaha Guurtidu u arkaan dadka aqallada kiraysta iyo sideey doonayaan in ay u noolaadaan. Waad iska garan kartaa arrimaha la xiriira tirada qoysku ka kooban yahay, inta musqulood uu yeelan karo iyo inta uu aqalku ku fadhiyi karo.” Haweeneeydii iyada oo qosol raacinaysa ayeey sii raacisay, “Sidaa daraadeed, waxaanu ku dambaynaa dibadda halkaas oo aan ahayn sharci. Waxaanu nahay dibjiriin. Ma haysano aqal aan ku noolaano, ma haysano musqulo, ma’ahan meel aan si fiican ugu nasan karno, waa uun dhul bannaan, barxad balaadhan oo weyn.”
Yoonis waa uu ka xumaaday misna waxa uu aad u fikirayay sida uu ar- rinkeedu ku dambayn doono. Kadibna waxa uu xusuustay daartii saddexaad
– cusbayd aanana la degganayd. Waxayna ahaan lahayn xalka dhibaatada haysatay. “Maxaad ugu guuri wayday Daarta J waa taas ku xigta halka dadku ay ku xoonsan yihiin.”
Si xooggan ayeey u qososhay. “Taasi waxay tahay mid ka soo horjeeda
sharciga dhulka u degsan.”
“Xeerka dhulka?” ayuu ku soo celiyay. Isaga oo dhabarkiisa saaraya gi- daarkii uu ku tiirsanayay, Yoonis waxa uu ruxay madaxiisa, isaga oo si aad u xooggan u ruxaya.
“Kuwaasi waa sharciyada halkan lagaga dhaqmo. Xeerka dhulkuna sidan buu u shaqeeyaa,” ayeey tidhi haweeneeydii iyada oo isticmaalaysa ul si ay u sawirto qariiddad. “Golaha Guurtidu waxay sameeyaa qariiddad ay ku kala qaybiyaan magaalada. Dadka waxaa loo oggol yahay in ay ku hoydaan habeenkii qayb ka mid ah magaalada, laakiin waa in ay ka shaqeeyaan qaybta kale maalintii. Daarta T waxay ku taalaa dhinaca seexashada halka daarta J ay ku taalo dhinaca shaqada, waad aragtaa soo ma’ahan? Daarta J waa ay wanaagsan tahay waxayna u dhowdahay daarta T arrintan waxaa ugu wacan marwo Ashkira oo isticmaashay awooddeeda in ay tan ay suurto gasho. Sida caadiga ah aqallada loo qoondeeyay shaqada waxay ku yaalaan dhinaca kale ee magaalada, halka kuwa seexashada loo qoondeeyayna ay ku yaalaan dhinaca kale ee magaalada si cid waliba ay u socoto xoogaa maalin walba aroortii iyo habeenkiiba. Waxay yidhaahdaan socodka dheer iyo socoshadaba wuxuu u fiican yahay jirka iyo caafimaadka.”
Yoonis waxa uu si xooggan u eegay daarahan isku wada xiga kuna dhexyaal labada daarood dhexdood kuwaasoo ah kuwo bannaan oo aan la degganayn. Khalad dheh, ayaa niyadiisa ku soo dhacday. “Maxaad samayn doontaa?” ayuu waydiiyay.
“Tallaabo tallaabo. Maalinba in yar ayaan samayn. Aabaheey wuxuu doon- ayaa in aan berito u raaco xaflad weyn oo marwo Ashkira ay u abaabulayso dadka dibjirka ah. Waxay ballan qaaday ciyaaro faro badan iyo qado bilaash ah.”
“Deeqsiyad wacan!” ayuu yidhi Yoonis. “Dabcan waxay kuu oggolaan kar¬taa in aad ku noolaatid aqalkeeda inta aad ka helaysid meel aad degtid.”
“Dhab ahaantii, aabaheey mar buu wax waydiistay marwo Ashkira maadaama ay shaqadeedu la xiriirto xakamaynta kirada. Marwo Ashkira waxay ugu jawaabtay aabaheey, ‘Laakiin taasi waa tuugsasho! Sadaqadu waa wax wanaagsan!’ waxay u sharaxday in ay tahay xushmayn in canshuur bixiyeyaashu in ay idin- siiyaan aqal aad degtaan. Waxayna u sheegtay in uu lahaadaa dulqaad iyo iyada oo leh Golaha Guurtida ayaa la wareega aqallada iyo kharashka ku bax- aya.” Haweeneeydii da’da yarayd ilkaha ayeey aad u caddaysay iyada oo Yoonis ku leh, “Magacaygu waa Aragsan. Ma noo raacaysaa raashinka bilaashka ah ee ay marwo Ashkira bixinayso berito?

aragtidaada nala wadaag...