Tuduca 38aad

Shimbir cunis badan, Dawarsadayaal, Ragga wax khiyaameeya, iyo Boqorrada
Yoonis rajo xumo ayuu kala kulmay qalbiyada foosha xun.

Waagii markii uu baryay laydhkii qorraxda ayaa kiciyay Yoonis Maskiin. Waxa uu is yidhi waxba ha kicinin Aragsan, waxa uu isku sii qaaday si uu dusha uga baxo buurtii, oo uu gaaro halka ugu sarraysa buurta.

“Dadkii!” ayaa niyadiisa ku soo dhacday haddana waxa uu ahaa mid cad- haysan. “Dadku waxay ahaayeen kuwo iswada riixriixayay. Waana kuwo isu wada hanjabayay, oo is wada xidhxidhayay, isna dhacayay, dhib faro badanna isu wada gaysanayay.” Yoonis waa uu sii socday, siina fuulay buurtii isagoo sii dhexmaraya dhul kayn ah. Waxa uu gaaray halka ugu sarraysa buurta, markaasuu si wacan u eegay magaaladii ka hoosaysay.

Yoonis waxa uu ogaaday in dhirtu ay ka sii yaraanayaa buurta dusheeda, waxa keliya oo ku yaalay xoogaa dhir yar. Wuxuuna si fiican u arkaa bisha, lana moodo in ay dushiisa saaran tahay. Hawo aad u wanaagsan ayuu dareemay. Ugu dambayntii Yoonis waxa uu soo gaaray buurta dhakadeeda. Halka uga sarraysa buurta waxay ahayd meel aan wax saas ihi aysan ka bixin, waxa uun dhulka ku daadsanaa xoogaa caleemo ah iyo waxa kale oo ku nooleyd shimbir weyn oo madoow misna fool xun oo wax cunis badan, shimbirtu waxay dul saarnayd geed laantiis. “Yaa maya,” ayuu ku reemay Yoonis, yaase moodayay in dhushu ay tahay meel soo dhawayn wacan leh. “Waa uun nasiibkayga. Waxaan ka soo tagay dooxo shimbiro wax cunis badan ay ku nool yihiin, si aan u baadigoobo dhul nabad leh, maxaanse u imid? Waa meel kale oo ay joogto shimbir wax cunis badan!”
“Shimbirtii dhabta ahayd ee wax cunista badnayd!” ayuu ku soo celiyay Yoonis.
Yoonis waa uu la yaabay shimbirtii. Si xooggan ayuu u kala furay indhihiisa. Indhihiisa waxa keliya oo ka weynaa waa dayaxa. Waxa uu bilaabay in uu dhaqaaqo, wuxuuna u socday si tartiib ah, isagoo indha-indhaynayay dhulkii oo dhan meel walba oo uu arki karayay. Wadnihiisuna si xooggan ayuu u garaacayay, bishimihiisana waxay ahaayeen kuwo gariirayay, “Yaa yidhi taas?” “Yaa yidhi taas?” ayuu maqlay. Wuxuu mooday in uu codkaasi ka yimid geed. Yoonis waxa uu eegay shimbirtii wax cunista badnayd, taasoo iskaba fadhiday. Waxa uu is yidhi, “Malaga yaabaa in ay tahay shimbir hadla – sida shimbirta baq-baqaaq yabqama? Cid kale oo halkan joogta ma jirto. Laakiin shimbirta wax cunista badan ma’ahan mid hadla.” Waxa uu niyadiisa u sheegay in sideedaba Jasiiraddan ay tahay meel aad u yaab badan oo maxaysanba u lahayn shibir hadlaya?
Yoonis waa uu kacay isagoo muujinaya dhererkiisa isna giijinaya, durbadiiba waxa uu ku dhaqaaqay geedkii. Shimbirtii maba aysan dhaqaaqin, inkastoo Yoonis uu dareensanaa in ay ku dhaygagtay.
“Miyaad ila hadashay?” ayuu waydiiyay Yoonis, isagoo og in la maqli karo codkiisa.
“Yaa kale” ayeey shimbirtii cunista badnayd ku jawaabtay. Yoonis waa uu dhici gaaray waxa uu cuskaday geedkii si uusan u dhicin. Waa uu istaagay, isna hortaagay geedkii hortiisa. “Adigu – adigu, miyaad hadli kartaa?”
“Dabcan waan hadli karaa,” ayeey tidhi shimbirtii. “Oo waad kartaa – inkastoo oo aadan garanayn waxa aad odhanayso.” Shimbirtii intay warwaree- jisay madaxeeda misna la moodo in ay dacwoonayso ayeey tidhi, “Maxaad uga jeeday markaad lahayd waxaad ka timid dooxo ay buuxsheen shimbiro wax cunis badan?”
“Aniga, Aniga, Aniga waan ka xumahay. Waxba ugama aan jeedin,” ayuu ku yidhi shimbirtii Yoonis. “Waxa weeye dadka ku nool halkaas waa kuwo aan isu naxariisan oo is xumeeya. Waxa keliya oo ay iga ahayd waa iska hadal uun. Ayaga – ayagu waxay i xasuusiyeen, waa hagaag, waxba.”
“Shimbiro wax cunis badan?” Shimbirtii waxay kala bixisay baalasheedii, oo la moodo wax qaawan. Yoonis madaxiisa ayuu ruxay. Shimbirtii intii aysan laantii ku sii fadhiisan, waxa ay isku soo laabtay baalasheedii. “Saaxiibkay- gii qaaliga ahaayoow dhibaatadaadu waxay tahay ma tihid mid si fudud loo khaldi karo oo lagu khiyaami karo hadal. Runtii ahaantii waxaad tahay qof aamina waxaad indhahaaga aad ku aragtid, mana rumaysid hadalkooda inta aad indhahaaga ku arkaysid.”
“Ma’aan fahmin,” ayuu yidhi Yoonis.
“Adiga, xagaaga dhulkani waa wada dhulkii shimbiraha wax cunista badan. Haaheee! Haddii taasi run tahay, Jasiiraddan waxay ahaan lahayd mid aad iyo aad uga fiican sida ay hadda tahay.” Ayeey tidhi shimbirtii, kuna tidhi cod isla wayni ka muuqdo. “Waxaa runta u dhow oo la odhan karaa in aad timid Jasiiraddan ay ku nool yihiin xayawaanno kala gedisan – sida shimbir wax cunis badan, kuwo dawarsadayaal ah, rag wax khiyaama iyo boqorrada. Laakiin ma ogid muhiimada ay leeyihiin, maxaa yeelay, waxaa ku khalday cinwaanka iyo hadaladooda. Waa lagu khalday, khaladkii ugu weynaa ee aad gashay waa adiga oo aad u qiimaysay fasaadkooda oo aad meel sare u qaaday sharkooda.
Yoonis waa uu is difaacay. “Ma jiraan wax khiyaamo ah. Shimbiraha cunista badan, kuwo dawarsadayaasha ah iyo waxa la mid ka ah, waa kuwo si fudud lagu fahmi karo. Halka aan ka imid, shimbirta cunista badanna waxay uruursataa lafaha dadka dhintay. Taasina waa arrin karaahiyo ah oo laga yaqyaqsado!” Yoonis sankiisa ayuu ruxruxay si uu u dhaqdhaqaajiyo. “Kuwa dawarsadayaasha ah waa kuwo sahlan oo aan dambi lahayn. Ragga wax khiyaama waa xarfaan ku xeeldheer shuquladooda oo madadaalo badan – waana kuwo ku mashquulsan wax dhicidooda.
“Kuwa Boqorrada ah iyo boqortooyada,” ayuu raaciyay Yoonis markiiba iyadoo indhihiisuna ay ka muuqdaan farxad iyo raynrayn. “Waa hagaag, waligeey lama aan kulmin midna, laakiin waxaan akhriyay in ay ku nool yi- hiin qasri aad u qurux badan iyo in ay yihiin kuwo ku xarragooda dhar aad u qurux badan. Cid walba waxay doonaysaa in ay noqdaan iyaga oo kale. Bo- qorrada iyo wasiiradooda ayaa xukuma dhulkan, waana kuwa ilaashada dadka ay xukumaan. Taasi ma’ahan wax khiyaama ah.”
“Ma’ahan wax khiyaama ah?” ayeey tidhi shimbirtii. Yoonis waxa uu si xooggan u eegay wajigii shimbirta oo la moodo in ay cadho weyni ka muuqato. “Kafaker shimbirtan wax cunista badan. Afartaas, shimbirtu waa ta keliya ee ugu laan dheeraadnimo badan. Waxa keliya ay shimbirtu samaysaa waa wixii

qiimo leh.”
Shimbirtii qiimaha badnayd ee madoobayd waxay kala bixisay qoorteedii, markaaseey dhugatay Yoonis. “Marka uu dooli ku dhinto bakhaar lagu xafido alaabta iyo cuntada xoolaha oo beer ku dhextaal, waan ka nadiifiyaa dooliga goobtaas. Marka faras uu ku dhinto beer, waan ka nadiifiyaa goobtaas. Marka qof sabool ah uu ku dhexdhinto ayda, waan ka nadiifiyaa goobtaas. Waxaana helaa cunto cid walibana waa ku faraxsan tahay in aan cunto helo. Cidna waligeed ma isticmaalin qori ama sanduuq is aan u qabto shaqadayda. Ma helaa wax mahadnaq ah? Maya. Shaqada aan qabto waxaa loo arkaa mid wasakh ah oo xun. Sidaa daraadeed, shimbirta “foosha xun” waxay ku noosha- hay xumayn badan tixgelin la’aan faro badan.
“Waxaa kale oo jira kuwa dawarsadayaal ah,” shimbirtii waa ay sii wadatay. “Waxba ma soo saaraan, wax wanaagsan cidna uma qabtaan, marka laga reebo naftooda oo ay wax u helaan. Laakiin waxa dhibaato ah cidna uma gaystaan. Waa ay iska ilaaliyaan in ay ku dhintaan ayda dhexdooda, dabcan. Waana la odhan karaa waa kuwo wanaagsan oo wax raadsada. Sidaa darteed, waa kuwo aan waxba la yeelin.
“Ragga wax khiyaama waa kuwo aad iyo aad u sir badan, waana kuwo magac la baxay oo ku talaxtagay gabayga. Waxay isticmaalaan khiyaamo, waana kuwo had iyo jeer ku hawlan sidii ay dadka kale u khiyaami lahaayeen, iyagoo isticmaalaya erayo iyo hadalo aad u sarraysa. Ragga wax khiyaama wax shaqo ah oo wanaagsan oo ay qabtaan ma jiraan, aan ka ahayn in ay dadka baraan dhaqan xun oo ku salaysan is aaminid la’aan iyo cilmiga khiyaamada ku dhisan.”
Shimbirtii iyadoo eegaysa gadaasheeda dibna u celinaysa baalasheeda, xoog ayeey u neefsatay. Neef xooggan ayaa hawadii qarisay. “Ugu dambayntii waxaa halkan ka jira boqortooyo. Boqorradu uma baahna in ay baryaan amaba ay wax khiyaamaan, inkastoo ay labadaba sameeyaan had iyo goor. Sida kuwa wax xada, waxay dhacaan hantida dadku ay iska leeyihiin iyagoo isticmaalaya xoog iyo awood. Waxba ma soo saaraan, haddana wax walba ayeey xukumaan. Adiguna, kaagan safarka ahoow ee aan wax badan ogaynoow ogoow ‘boqortooy- adan’ inta aadan afka la soo galin shimbirta? Haddii aad aragtid taallo qadiimi ah,” ayeey u fiirsatay shimbirtii haddana sii wadatay, “waxaad odhanaysaa bo- qorku waa wanaagsan yahay, maxaa yeelay, magaciisa ayaa taallada dusheeda lagu qoray. Midda kale, waad iska indhatiraysaa sida wacan ee aan u nadiifiyo taallada dusheeda.”
Yoonis ayaa hadlay, “Run. Berigii hore boqorrada qaarkood waxay ahaay- een cirfiidiin. Laakiin wakhtiga aanu hadda joogno dadku waxay doortaan madaxdooda oo ay u doortaan Golaha Guurtida. Waa ay ka duwan yihiin kuwii hore, maxaa yeelay, waa hagaag, maxaa yeelay, waa kuwo dadku ay doorteen.
“Golaha Guurtida la doortay waa ka duwan yihiin? Goow!” ayeey ku dhawaaqday shimbirtii cod cadho ay ka muuqato. “Caruurtu wali waxaa lagu koriyaa sheekoxariirooyinkii boqortooyada, iyo iyagoo marka ay waynaadaan wali waxa ay doonayaan ay tahay boqortooyada. Golahaaga Guurtida la doorto waxa keliya ay yihiin boqorro jira afar sanno iyo amiirado dadka xukuma labo sanno. Run ahaantii, waxay isku yihiin kuwo dawarsada, wax khiyaama, iyo iyagoo hela awood boqortooyo! Waa ay tuugsadaan, waana kuwo hantida dadka, tabarucaadooda, iyo codkoodaba ku hela mu’aamaraado; waa kuwa sameeya ammaanid been ah iyo khayaamid goor walba oo ay fursad u helaan;
waxay sameeyaan istustusnimo xooggan oo ayba ku xukumaan Jasiiraddan. Iyo iyagoo ku guulaystay dhaqankooda ku salaysan ku dulnoolaanshaha dadka kale, mar walba dadkayaga wax soosaara ee shaqaystana waxba nooma had- haan.”
Yoonis waa uu aamusay. Waxa uu hoos u soo eegay dhulkii ka hooseeyay ee dooxada ahaa, markaasuu madaxiisa u ruxay si xooggan. “Waxaan jeclaan lahaa in aan aado meel aan waxaas oo kale aysan ka jirin. Ma jiri kartaa meel iftiinka xorriyadu uu gaaray?”
Shimbirtii iyadoo kor u qaadaysa baalasheeda culus ayeey ka duushay laan- tii geedka ay ku fadhiday, Yoonis agtiisana soo fadhiisatay. Yoonis dib ayuu u booday, isagoo la yaabban weynaanteeda. Shimbirtii waa ay ku soo jan- jeedhsatay Yoonis, waxayna tahay culayskiisa labadiis.
“Waxaad doonaysaa in aad aragtid meel dadku ay xor yihiin? Meel wax walba loo sameeyo, maxaa yeelay, waa wax wanaagsan iyo meesha xoog loo isticmaalo isdifaacid oo keliya. Waxaad doonaysaa in aad ku noolaatid meel dadka madaxda ah, kuwa maamula iyo kuwa la maamulo isku si loola dhaqmo, sharciguna uu isku si u wada qabto kan wax maamula iyo kuwo la xukumo.”
“Haaheey, Haa!” ayuu la soo booday Yoonis.
Shimbirtii si fiican ayeey u fiirisay Yoonis. Yoonis Maskiin shimbirtii ag- teeda ayuu taagan yahay, si fiicana waxa uu u arkaa indheheeda aadka u weyn. Waxaa la moodaa in ay ku dhexjiraan jirkiisa, akhrinayaan maskaxdiisa, kana eegayaan in uu yahay mid daacad ah. “Waxaan qabaa in la heli karo. Ku soo bood dhabarkayga,” ayeey tidhi shimbirtii. Shimbirtii wax yar ayeey isleexisay dhulkana dhigtay baalasheedii.
Yoonis waa uu yara hakaday, isagoo soo xusuusanaya in hadda uun lagu yidhi aamin ficilka, ha aaminin hadalka. Maxaa ku kalifi kara in uu ku aamino naftiisa shimbir weyn baalasheed? Si kastaba ha ahaateey, meel dheer buu ka yimid maxaaba ka xumaan kara oo uu lumin karaa? Isagoo ku guulaystay in uu wax walba ogaado, Yoonis si taxadar uu ku jiro ayuu kor isu qaaday, si uu u gaaro lafaheeda jilicsan ee u dhexeeya shimbirta garbaheeda. Markii uu dareemay in uu ku dul fadhiyo shimbirtii waxa uu si fiican u saaray gacmihiisii. Shimbirtii si yara foolxun ayeey u dhaqaaqday. Islamarkiiba waa la kacday korna ula sii dhaqaaqday.
Iyagoo dulmaraya jasiiraddii dhusheeda, dabayshuna ay ku dhacaysay wa- jigiisa, Yoonis waxa uu dareemay farxad. Quruxda qorraxda dahab la moodka ah ayaa soo baxisay iftiin, iyadoo waaberi noqotay maalin cusubina ay timid. Badwayntiina oo dhanna waa ay ka horaysaa. Yoonis Maskiin waa uu fajacay, “Halkee baan u soconaa?”

aragtidaada nala wadaag...