Tuduca 39aad

Iftiinka Xorriyadda
Yoonis waxa uu baadigoobayaa dhulka xorriyada dhabta ah ka jirto.

Maadaama uu Yoonis si adag u qabsaday dhabarkii shimbirtii. Shim¬birtii weynayd waxay ku soo wareegtay jasiiraddii dusheeda. Kadib markii Yoonis si fiican ugu fadhiistay dhabarkeeda, shimbirtii si sibi- ibaxasho la moodo ayeey toos dhankaas sare ee qorraxda ku toosan isku sii daysay. Waxaa hoos u soo riixay dabayl culus oo duulimaadkoodii yara hakiyay. Waxay sii socdaanba wakhigiina waa uu sii dheeraanayaa, wuxuu noqonayaa saacado. Socdaalkoodii waxa uu durbadiiba ka dhigay Yoonis in uu si sahlan ku seexdo.
Yoonis waa uu riyooday. Riyadiisa, waxa uu ku ordayay waddo aan sidaas u weynayn, waxaana caydhsanayay dad hadh wayni uu qariyay. “Istaag, kaagan taageersan dawladda!” ayeey ku qayliyeen. Laakiin waa ay cabsadeen, si dhaqso leh ayuu u sii cararay. Mid xooggan ayaa hortaagnaa dadka intiise kale – Marwo Ashkira. Waxa uu dareemay neefteeda oo uu ka dareemay qoortiisa, waxayna doonaysay in ay ku soo qabsato faraheeda xooga badan.
Yoonis waa uu kacay oo waxaa kiciyay shay si culus loo garaacayo. “Maxay! Halkee baad joogtaa? Ayuu waydiiyay Yoonis, isagoo kor u sii daynaya qaar ka mid ah shimbirtii baalasheeda.
“Halkan ayaan kaaga tagayaa, geeri go’anka xeebtan agteeda,” ayeey shim¬birtii ku tidhi Yoonis. “Sii soco xoogaa yar, una sii soco dhinacaas waqooyi, waxaad heli doontaa reerkiiniiye.” Waxay yimaadeen xeeb la moodo in uu yara garanayo Yoonis. Naq cusbo dhumucyo waaweyn ayaa ka lulmanaya, kuwaasoo taxnaa xeebta qarkeeda kore oo dhan, ciideeduna waa cammuud qurux badan oo midabka dahabka oo kale ah, iyo badda oo u eg midabka cirrada oo kale taa- soo haddana qaboow, si fiicana aad u daraymaysid marka biyaha badda ay soo gaadhaan berriga. Yoonis si farxad ay ku jirto ayuu uga soo dagay dhabarkii shimbirtii.
Islamarkiiba Yoonis Maskiin waxa uu ogaaday halka uu joogo. “Waxaan joogaa aqalkaygii!” ayuu yidhi isagoo faraxsan. Waxa uu bilaabay in uu ordo oo uu ku ordo ciidii cammuudda ahayd. Waa uu yara hakaday markaasuu soo jeestay oo ku soo jeestay shimbirtii. “Laakiin waxaad igu tidhi waxaad i gaynaysaa meel waxa la sameeyo loo sameeyo, maxaa yeelay, waa sax,” ayuu yidhi Yoonis.
“Waad timid,” ayeey tidhi shimbirtii.
“Laakiin ma’ahan sida ay halkan wax yihiin,” ayuu ku cawday Yoonis.
“Wali ma’ahan, dabcan laakiin waa noqonaysaa marka aad adigu ka dhigtid. Si kastaba ahaatee, xitaa Booliqaran, waxay noqon kartaa janno marka dadku run ahaantii ay yihiin xor.
“Booliqaran?” Yoonis waa uu neeftuuray. “Dadka intooda badan ee ku nool Jasiiraddaas, inta aan wali silsiladaha aan lagu xirin, waxay aaminsan yihiin in ay yihiin xor. Marwo Ashkira ayaa u sheegtay in ay yihiin dad xor ah. Intooda kalena waa ayba ka baqaan xorriyada, cabsida ay ka qabaana waxay si fudud
awood u siiyaan Baadigoobaha Weyn.”
“Aamin ficilka, ha aaminin erayada,” ayuu xusuusiyay shimbirtii. “Dadku waxay moodaan in ay yihiin xor mar haddii loo sheego waxa ay samaynayaan. Tijaabada dhabta ah ee xorriyadu waxay timaadaa marka qof uu go’aansado in uu sameeyo wax ka duwan waxa ay sameeyaan dadka intiisa kale. Taasina waa wakhtiga la barto casharro hor leh, dadkuna ay helaan fursad qaali ah.” Yoonis markiiba waxa uu dareemay walwal badan. Walwalkii ayaa ku ko- rdhay markaasuu caws xoogaa ah dhulkii ka soo gooyay oo uu bilaabay in uu ciidii cammuudda ahayd uu ku mudmudo cawskii. “Sidee bay wax yihiin? Waan arkaa dhibaatada – laakiin waa maxay xalku?”
Shimbirtii intii uu Yoonis waydiinayay su’aalaha waa ay warwareegtay oo ku heehaabtay Yoonis agtiisa oo qallajisatay baalasheedii. Markii wax walba ay si fiican ugu qallaleen Shimbirtii waxay eegtay baddii iyadoo leh, “Wiilkaaga yaroow, ma waxaad baadigoobaysaa mustaqbal wanaagsan oo ku qotoma fikir aad u fog iyo aragti qoto dheer?”
“Dabcan waa filayaa,” ayuu yidhi Yoonis.
“Taasi waa dhib badan tahay. Kuwa wax xukuma mar walba waa kuwo leh fikir aad u dheer, fikirkaasna waa ay ku khasbaan dadka intiisa kale.”
“Laakiin miyaan u baahnayn in aan ogaado halka aan u socdo?”
“Naftaada dabcan haa, laakiinse ma in aad fikirkaaga ku khasabtid dadka kale.” Shimbirtii waxay u soo jeesatay Yoonis mar kale, cideedii ayaa kordhay iyadoo si culus u xajisanaysa dhulka misna ciidii cammuudda ahayd meel ka xaaqxaaqanaysa. “Dhulka xorta ah waxaa qiimo wayn siiya kalsoonida samaan, dhaqanka wanaagsan, nidaamka hawsha loo fuliyo iyo wax soo saarka guud. Kumanaal qof oo mid waliba uu doonayo in uu wax cusub soo saaro ama qabsado, mid walbana uu ku hamiyo sidii uu ku gaari lahaa qorshihiisaas, dadka noocaas ahi oo kale waxay suurtagal ka dhigayaan adduun wax waliba ay ka suurta geli karaan oo aadan qiyaasi karayn baaxadiisa inta uu le’eg yahay. Marka hore eeg waxaad kartid, kadibna waxaa ku xiga darajo sare.”
Waxa uu dareemay in dhinbil dab ah jirkiisa dhexdiisa ka gubanayo, Yoonis waxa uu isku dayay in uu fahmo. “Haddii dadku ay yihiin xor, waxay helaan xalal filanwaa ah? Haddii dadku aysan xor ahayna, waxay helaan xalal aan la filayn! Saasi soo ma’ahan?”
“Ma mid u baahan xikmad baa in la ogaado madaxda wax xukuma waxa aan looga baahnayn in ay sameeyaan?” ayeey raacisay Shimbirtii. “Qaad imtix- aan si aad u ogaatid guddoominta: Haddii aadan haysan xuquuq aad wax ku samaysid, dabcan wax xaq ah oo aad u leedahay ma jirto in aad waydiisatid in ay siyaasiintu ay kuu sameeyaan.”
Yoonis isagoo shakisan ayuu waydiiyay, “Waxaan u malaynayaa in aan fah- may, laakiin uma aan malaynayo in ay cidi i dhagaysanayso.”
“Waa mid adiga kuu fiican haddii cidi ku dhagaysato ama aysan ku dha- gaysan. Kuwa kula qaba qiimaha xorriyadu ay leedahay ayaa muujin doona geesinimo.” Shimbirtii waxay u jeesatay dhinicii badda ay kaga beegnayd markaaseey macsalaamaysay Yoonis. Yoonis waa uu daawaday shimbirtii weynayd intii ay is u ruurinaysay, iskuna gaynaysay jirkeeda oo dhan si ay u duusho oo ay jirkeeda ka horgeeso dabaysha xooggeeda. Muddo yar ka dib waxay ku qar- soontay daruurihii cirka. Yoonis waxa uu u jeestay waqooyi isagoo bilaabaya in uu ku socdo xeebta dhinaceeda.
Waxba kama uu xusuusto socodkiisaa marka laga reebo ciida cammuudda ah ee cirbihiisa ka galay iyo tan jirkiisa buuxisay. Yoonis waxa uu xusuustay
dhagax culus oo yaalay waddada laga galo aqalkooda. Markiiba waxa uu u soo dhawaanayay aqal iyo dukaan ku yaala meel nabdoon – aqalkiisa.
“Xorriyad. Haaheey. Intee in le’eg ayeey dadku u soo halgameen xorriyadda ama ay ka soo horjeesteen, inta badanna isku mar. Dadku, waa hagaag, dadku waa in ay ahaadaan xor si ay u sameeyaan wax alle iyo wixii ay doonaan dariskoodana ay u oggol yihiin intaas in la mid ah,” ayuu yidhi Yoonis isagoo si xeel dheeri ay ku jirto u eegaya safarkiisii. “Uma aan guuxin deriskayga wax- aana laga yaabaa in aysan oggolaan in aan wax isku darsano, laakiin ma’ahan in aan isticmaalo xoog sharciyaysan marka laga reebo isdifaacayga uun. Waxay iila muuqataa in ay taasi tahay mid la fulin karo – bani-aadninimo leh – haa, iyo daacadnimo. Ma aan ihi ruux dhamaystiran oo wax walba loo dhameeyay, laakiin waa istixgellin – iyo taasoo ka wanaagsan waxa kale ee suurta gal noqon kara.”
Waa uu sii socday isagoo amakaagsan isna waydiinaya maxay dadka ugu adag tahay in ay dadka kale u daayaan arrimahooda in ay iyagu wataan. “Kala doorashadu dadka waxay siisaa waayoaragnimo iyo horumar halgankoodana oo ugu dambayntana keena barwaaqo. Awoodda siyaasadeed waa in ay ilaalisaa xorriyada, ma’aha in ay dadka ka qaado xorriyadooda. Samaan waxay jiri kartaa oo keliya marka ay jirto xorriyad wax lagu kala doorto,” ayuu ku soo gunaanaday Yoonis.
Yoonis aabihiis waa nin dheer oo jirkiisuna uu dhisan yahay, wuxuuna hor fadhiyay daarada horteeda, isagoo laablaabanayay xadhig. Indhihiisii ayaa weynaaday layaab awgood markii uu arkay wiilkiisii oo ku soo socda, una soo socda dhinaciisa. “Yoonis,” ayuu la qayliyay “Yoonis-wiilkaygiiyoow, halkee baad jirtay?” waxa uu u yeedhay xaaskiisa taasoo markaas ku mashquulsanayd nadiifin ay aqalka gudihiisa ka haysay, “Eeg, Cawo, eeg yaa yimid!”
“Waa maxay qayladaada?” ayeey tidhi Yoonis Hooyadiis, iyadoo si taxadar ku jiro u eegaysa. Waxay u soo baxday banaanka, markaaseey soo gaartay aqalka daaradiisa dabadeedna waxay biloowday in ay farxad la qayliso markii ay indhaheeda ku dhufatay wiilkeeda, Yoonis Maskiin. Islamarkiiba waxay kala daashay dhunkasho iyo iyadoo gacantiisana qabsanaysa haddana habsiinaysa. Kadib dib ayeey u riixday wiilkeeda iyadoo wali gacantiisa haysata markaaseey biloowday in ay iska ooyso. “Wiilkaygoo halkee baad ku maqnayd? Ma gaa- jaysan tahay, Yoonis Maskiin?” markiiba waxay ku tidhi odaygeedii iyadoo faraxsan, “Huri dabka, Qafaar, digsigana saar!”
Waxay la qaybsatay kulan faraxeedkoodii. Markii uu cunay rootigii ugu dambeeyay ee ay hooyadii u samaysay, Yoonis waa uu neeftuuray kadibna dib ayuu ugu sii fadhiistay kursigii uu markii horeba ku fadhiyay. Yoonis waxa uu u sheegay safarkiisii uu ku tagay Jasiiradda Booliqaran, si taxadar ku dheehan tahay ayuu uga sheekeeyay kulamadiisii uu kula kulmay habar dad iyo habar dugaag. Dukaankan duqa ah iyo kuwo safkiisa ku dhagan mar qudha ayaa nalal qurux badan ka ifeen. Hadhkiisii ayaa qariyay gidaarkii ka soo horjeeday dabka reerku aqalka gudihiisa ay ka shiteen. “Maxayn u ahayn wiilkaygoow, waxaad u eg tahay qof weyn,” ayuu yidhi aabihiis. Si xoog badan ayuu u eegay Yoonis markaasuu kula kaftamay, “ma waxaad qorshaysanaysaa in aad iska dhaqaaqdid mar kale, goor dhow?”
“Maya Aabe,” ayuu yidhi Yoonis, “Halkan ayaan joogayaa waxoogaa. Waxaa jira shaqooyin faro badan oo looga baahan yahay in wax laga qabto.”

aragtidaada nala wadaag...