Tuduca 3aad

Shamacyo iyo Koodhadh
Yoonis waxa uu baranayaa mamnuucidda iftiinka qorraxda.

Waddadu waa ay sii dheeraatay, wuxuu bartamaha kaga dhacay miyigii dhirta badnaa. Yoonis waxa uu arkay in dhirtu ay ka dhamaanayso geesaha wabiga, wuxuu jaray buundada lugta lagaga gudbo. Wuxuu arkaa aqallo ku yaala dhinaca kale, isaga oo moodaya in cid uun ay joogto halkaas, una sheegi kara meesha uu joogo.

Marka la dhaafana buundada waxa uu kula kulmay haweeneey xambaarsanayd warqado muhiim ah, aadna u badnaa, waxayna ku fadhiday miis dabadiis, oo ku daboolnaa billad yar oo qarinaysa inteeda kale. “Waan ku baryayaa,” ayeey haweeneeydii ku dhawaaqday, iyada oo ruxruxaysa indhaheeda waawayn, wax- ayna soo qabatay Yoonis shaadhkiisa si ay ugu xidho billadda. “Miyaadan saxi- ixayn arjigayga?” “Waa hagaag, ma’aan garanayo,” ayuu Yoonis ku dhawaaqay. “Laakiin, maad ii tilmaami karaysaa dhinaca magaaladu iga xigto?”

Haweeneeydii waxa ay eegtay iyada oo ka shakisan. “Ma dadka jasiirad- dan baad tahay?” Yoonis waa uu joojiyay hadalkiisii, isaga oo xasuusanaya isbedelka codkeeda ka muuqda. “Haa, waxaan ahay dadka deggan jasiiraddan, waxa aana ahay ambad.” Haweeneeydii waa ay qososhay mar labaad. “Wad- dadan ayaa ku gaynaysa magaalada. Laakiin, inta aadan tagin, waxay kugu qaadanaysaa in yar in aad saxiixdid arjigan,” ayeey tiri, “waxa aadna caaw- inaysaa dad faro badan.” “Waa hagaag, haddii ay kuugu fadhido qiimo badan.” Yoonis isaga oo garabkiisa gundhinaya ayuu ka qaaday qalinkeedii, wuuna u saxiixay. Wuxuu dareemay ka xumaansho.

Waxayna ahayd maalin kulul, hawaduna wacan tahay, Yoonis waxaa ka muuqday dhidid, haweeneeyduna waxay ku fadhiday daraasiin dhar ah. Waana meel ku habboon warqado saxiixidda! “Maxaa loo qorayaa arjigan?” ayuu Yoonis waydiiyay. Waxa ayna isu gaysay labadeeda gacmood, lana moodo in ay hees damacsan tahay in ay ku dhawaaqdo. “Kani waa arji lagu badbaadinayo shaqooyinka iyo warshadaha. Waxa aad taageersan tahay shaqooyinka iyo warshadaha, miyeeynaan ahayn?” ayeey ku dhawaaqday. “Dabcan waan ahay,” ayuu yiri Yoonis. Markiiba isaga oo xusuusanaya wixii ku dhacay haweeneeydii uu horay waddada ugula kulmay. Ma uusan doonayn in uu u ekaado in uusan xiisaynayn shaqooyinka shicibka. “Sidee bay tani u caawinaysaa?” ayuu Yoonis waydiiyay. “Golaha Guurtida ayaa badbaadinaya shaqooyinka xaafadayada iyo warshadaha alaabta ay soo saaraan. Alaabta badankooduna waxay nooga timaadaa dibadda. Haddii dad badani ay saxiixaan arjigan, Golaha Guurtida ayaa noo ballan qaaday in ay sharci ka soo saari doonaan, qabanna doonaan wax kasta oo awoodooda ah, iyo sidii ay u mamnuuci lahaayeen alaabta dibadda nooga timaada, waxna u dhimaya alaabta warshadahayaga.”

“Oo maxay tahay warshaddaadu?” ayuu Yoonis waydiiyay. Haweeneey¬dii ayaa kor u dhawaaqday iyada oo aad isula hanwayn, “waxaan metelaa warshadaha sameeya shamacyada iyo koodhadhka. Arjiganina waxa uu ugu yeedhayaa mamnuucidda qorraxda.”

“Qorraxda?” ayuu Yoonis ku celceliyay. “Sidee, uh, maxaad u mamnu- ucaysaa qorraxda?” Waxay eegtay Yoonis, kuna tiri, iyada oo isdifaacaysa, “waan arkaa in aad wax garanaysid, laakiin miyaadan arag qorraxdda waxay wax yeelaysaa warshadaha shamacyada iyo kuwa koodhadhka sameeya. Waad xaqiiqsan kartaa in qorraxdu ay tahay isha kuleeelka iyo nalka, ahna mid jaban. Waa hagaag, kanna ma’aha mid aynu aqbali karayno!”

“Laakiin nalka iyo kuleelka qorraxdu waa mid bilaash ah,” ayuu Yoonis yiri. Haweeneeydii waa ay ka xumaatay hadalkiisaas, “sidaas weeye dhibaatadu, miyaadan arkayn?” waxayna u soo qaadatay loox, iyada oo tusaysa tusaalooyin yar yar. “Aniga oo ugu yeeraya qiimahan aadka u jaban ee shisheeyuhu ay kalifeen, hoosna u dhigaya shaqaalaynta iyo lacagta dadku ku shaqeeyaan ugu yaraan boqolkiiba konton; kuwaasina waa warshadaha aan metelo. Cashuur la saaro ama si toos ah oo looga horyimaado ayaa horumarin karaya sida arrin tahay.”

Yoonis waxa uu iska dhigay arjigeedii. “Laakiin haddii dadku ay ku iib- sadaan shamacyadiina iyo koodhadhkiina lacag badan, nalkooda iyo dabkooda markaas wax u soo haraya lacag yar si ay u iibsadaan alaabe kale, sida hilibka ama caano ama rooti.” “Anigu ma’aan metelo hiliblayaasha, ama caanooleeyda, ama rooti sameeyaasha,” ayeey haweeneeydii tiri. Iyada oo ka dareemaysa Yoo¬nis in uu isbedelay, iskuna dayeeysa in uusan tirtirin saxiixiisa. “Dhab ahaantii waxaad xiisaynaysaa danaha dadka wax iibsada, ee ma aad doonaysid in aad badbaadisid amniga shaqada iyo maalgelinta ganacsatada. Maalin wacan,” ayeey ku tiri, iyada oo soo xiraysa wada hadalkoodii. Yoonis dib ayuu uga is- taagay miiskii, ka dibna si qaboow leh ayuu uga tagay. “Mamnuuc qorraxda?” ayuu iswaydiiyay. “Waaba fikrad waalli ku jirto!” Yoonis waxa uu rajaynayaa in uu la kulmi doono qof aqli dhaama.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *