Tuduca 5aad

Sheeko Kalluun Oon Caadi Ahayn
Nin kaluumaysta ah oo la qaybsanaya kalluunkiisa yar ee uu soo dabtay.

Yoonis waxa uu ambabixiyay haweeneeydii iyo ciyaalkeedii. Kuwaasoo u socday aqalka qaraabadeeda, una jira waddada hal mayl. Waa ay u mahadnaqeen, waxayna ka codsadeen in uu iska joogo. Laakiin, markii uu arkay sida aqalku u buuxo iyo mashquulnimadooda, Yoonis waxa uu go’aansaday in uu iska sii wato socdaalkiisii.
Qorraxdu waxay noqonaysay mid aad u kululaanaysa markii uu yimid aga- gaarka meesha uu toggu ku yaal. Markii uu cabay wax xoogaa biya ah, Yoonis waxa uu maqlay cod qof u digaya,“ma aan cabbeen haddii aan adiga ahay.”

Yoonis waxa uu eegay dhinacyadiisa wuxuu arkay oday wayn oo ku sii jeeda togga, odaygaasoo masaxanayay xoogaa kalluun ah. Waxaana agtaalay dambiil, aalad, iyo saddex xabbo oo fataariir ah, kuwaasoo ku sii dhacay dhulkii qoyanaa, mid walibana waxay samaysay xariijin dheer. “Kalluunku miyuu wanaagsan yahay?” ayuu Yoonis u waydiiyay si ay akhlaaqi ku dheehan tahay.

Intaanaan uusan isku dayin in uu kor u eego, ninkii baa u jawaabay, “Maya. Intan yar uun baan soo dabtay maantoo dhan.” Markii maqaarkii uu ka saaray, wuxuu kalluunkii korsaaray dab kulul, waa uuna rog-rogay kallu- unkii ku dhexjiray digsiggii yaraa, waxa uun ahaa mid aad u udgoon. Yoonis, isaga ayaaba ah kalluumayste, wuxuuna waydiiyay, “maxaad u isticmaashaa dabista kalluunka?” Markiiba ninkii kor ayuu u eegay Yoonis. “Waxba kama khaldana dabinkayga, wiilkaagan yaroow. Waxaana qabsaday kalluunkii ugu wanaagsanaa ee ku haray haradan.” Yoonis, isagoo dareensan waayo aragni- madda odaygan, kalluumaystaha ah, wuxuu is yiri wax baad ka baran kartaa, haddii aad dhagaysatid wax xoogaa yar. Wuxuuna odaygii kalluumaystaha ahaa uu ku amray Yoonis in uu ag fadhiisto dabka, isaga oo siinaya wax xoogaa kalluun iyo rooti. Yoonis Maskiin waxa uu cunay raashinkii, inkastoo uu aad uga xumaaday inuu raashinkiisa ka qaato. Kadib markii ay dhamaysteen, Yoo¬nis waa uu iska aamusay, odaygiina waxa uu bilaabay in uu hadlo.

“Sannado badan ka hor halkan waxaa laga daban jiray kalluun aad u waa wayn,” ayuu odaygii yiri. “Laakiin intoodii badnayd waa la dabtay. Imminkana kalluunkii yar yaraa baa hadhay.” “Laakiin kuwa yari waa ay korayaan, miy- eeyna ahayn?” ayuu Yoonis waydiiyay. Isaga oo eegaya cawska ka baxaya aga- gaarka u dhow harada, halkaas oo laga yaabo in kalluun badani laga dabankaro. “Maya. Dadka halkan ka kalluumaysta kuwa yar yar ayeey ka dabtaan. Taa keliyana ma’ahan, dadkuna waxay ku tuuraan qashinka haradan meelaheeda ugu shisheeya. Eeg qashinkaa halkaas ka muuqda?” Yoonis Maskiin waa uu la yaabay. “Maxay dadku uga dabtaan kalluunka, haddii ay qashinkana ku daadinayaan haradan?” “Hah, maya,” ayuu yiri odaygii kalluumaystaha ahaa. “Tanina ma’aha haradayda. Waxay ka dhaxaysaa dadka oo dhan – waxayna la mid tahay kaymaha iyo biyaha.” “Markaa kalluunkani waxa uu ka dhaxeeyaa cid walba, xitaa aniga?” ayuu Yoonis waydiiyay, isagoo wax yar ka xun in uu wax ka cuno raashin uusan waxba ku darsan. “Run ma’aha,” ayuu odaygii ku jawaabay. “Waxa ka dhexeeya dadka oo dhan cidna iskama laha – taasina waa inta kalluunka aanaan cidi daban. Markii aan dabtana aniga ayaa iska leh.”
“Ma aan fahmin,” ayuu Yoonis yiri, isagoo yaabban, islana hadlaaya ayuu ku celceliyay, “kalluunku waxa uu ka dhaxeeyaa cid walba, taasoo micnaheedu yahay cidina iskama laha ilaa cidi ka dabato. Kadibna, kalluunka adiga ayaa iska leh? Laakiin miyaad ka shaqaysaa kalluunka ama ma caawisaa si uu u kordho?” “Dabcan maya,” ayuu yiri odaygii. “Maxaan uga shaqaynayaa kallu- unka ma si qof kale ugu yimaado, kadibna uu dabto? Haddii cid kale dabato kalluunka amaba ay qashinka ka buuxiyaan harada, halkaas ayeey ku lumeen shaqadaydii!”

Isaga oo u baroordiiqanaya biyaha, odaygii kalluumaystaha ahaa waxa uu ku daray, “kaalay oo ku fikir, waxaan jeclaa in aan anigu aan iska leeyahay haradan. Kadibna waan ka taxadarayaa kalluunkan. Waana ka shaqayn la- haa haradan sida lo’leeyda, kuwaasoo maamula lo’dooda. Waana xoojin lahaa kalluunka si uu u buurto, waxaana kuu sheegi lahaa kalluun dhintaana ma jireen ama wax qurun ah, imana ay dhaafeen, oo waan hubin lahaa taas…”

“Imminka yaa maamula haradan?” ayuu Yoonis waydiiyay. Wajigii odayga, kalluumaystaha ahaa waa uu isbedelay. “Harada waxaa maamula Golaha Gu- urtida. Afartii sanaba marbaa la doortaa si ay u maamulaan, iyaguna waxay magacaabaan maamule, lagu shaqaaleeyay lacagta canshuurta dadka ay ka aru- uriyaan, taasoo ah lacag aad u faro badan. Maamulaha kalluunkuna waxa uu mas’uul ka yahay in uu eego harada kalluumaysiga badan iyo qashinka lagu tu- uro. Wax lalayaaban waxaa ah saaxiibada Golaha Guurtida oo inta badan waa ay ka kalluumaystaan, wayna ku tuuraan harada wax kasta, kuna sameeyaan wax walba.” Yoonis waa uu aamusay in xoogaa ah, kadibna waxa uu waydi¬iyay, “haradani si wanaagsan ma loo maamulaa?” “Adiguba indhihaaga ku soo arag,” ayuu odaygii waynaa isaga oo joogjoogsanaya ku yiri. “Eeg inta uu le’eg yahay kalluunkayga aan dabtay. Waxay u eg tahay in uu kalluunku uu sii yaraanayo, hadana maamulaha lacagtiisuna waa ay sii badanaysaa.”

aragtidaada nala wadaag...