Tuduca 6aad

Marka Aqalku Uusan Ahayn Hooy
Yoonis waxa uu daawanayaa burburinta aqallada wanaagsan ee Booliqaran.

Markii uu dhamaystay raashinkiisii iyo wadahadalkiisii uu la lahaa kallu-
umaysatada, Yoonis waxa uu iska watay socdaalkiisii, waxa uuna ku sii socday waddadii ilaa uu arkay magaalo yar. Taasoo ku fadhiday dhul ballaaran, waxaana ku yaalay dhawr aqal oo ka samaysnaa looxaan iyo guryo dhaadheer.

Aqalkii ugu horreeyay ee uu booqdo waxa uu noqday mid waxyaabo kala gedisani ay ka socdeen. Waxaa u muuqday kooxo haystay budhadh aad u culus, oo markiiba kala dhigay aqalkii. Yoonis waxa uu aad ula yaabay sida cajiibka leh ee ay shaqadooda u wateen. Kadibna, waxa indhihiisu qabteen haweeneey timaheedu Cirroobeen, oo aan ku faraxsanayn shaqada aqalka ka socotay. Haweeneeydani waxay taagnayd meel aan aqalka aad uga fogayn, iyada oo gacmaheeda aad isugu laabaysa. Hoostana ayeey iskala hadlaysay, intii ay daawanaysay shaqaalaha.

Yoonis waxa uu u tagay haweeneeydii isaga oo taxadaraaya, waxa uuna yidhi, “aqalku uma eka mid aad u wayn amaba ma’aha mid gaboobay. Kumaa iska leh?”

“Taasi waa su’aal aad u wanaagsan!” ayeey haweeneeydii ku jawaabtay isla markiiba. “Waxaan moodayay in aan aqalkan iska leeyahay.” “Waxaad mooday in aad iska leedahay aqalkan? Dhab ahaantii waad og tahay haddii aad iska leedahay,” ayuu Yoonis yidhi.
Salkii aqalka ayaa ruxmay, islamarkiina gidaarka oo dhan ayaa soo dhacay. Haweeneeydii waxay eegtay misna ay si cajiib ah u eegtay boodhkii ka soo duulayay aqalka la dumiyay. “Ma’aha wax sahlan,” ayeey haweeneeydii ku qaylisay. “Lahaanshanimadu micnaheeda waxa weeye ilaalin aad waxaaga ku ilaashatid, sax? Laakiin, cidna halkan waxba ma ilaaliso. Golaha Guurtida mooyaane – markaa waxay yihiin dadka iska leh wax walba. Iyagaana iska leh aqalkan, inkastoon aan anigu dhisay, bixiyayna kharashkiisa oo dhan.”
Iyada oo ka sii xun ayeey iska dhaqaaqday, waxayna kala jeexday war- qad taallay aqalka hortiisa. “Arag ogaysiiskan?” Waa ay tuurtay, kuna tuur- tay dhulka, wayna ku sii tumatay. “Madaxdu waxay ii sheegayaan waxa aan dhisan karayo, sida aan u dhisan karayo, wakhtiga aan dhisayo, iyo waxa aan ku dhisayo. Imminkana waxay ii sheegayaan in dhulka lala simo. Tani ma waxay u eg tahay in aan anigu iska leeyahay? “Waa hagaag,” ayuu Yoonis yidhi. “Miyaadan ku noolayn wakhtigii uu taagnaa?” “Inta aan bixin karayo canshuurta aqalka. Haddii aanaan bixin karayn, madaxda ayaa iga saaraysa markiiba inta aan odhan ‘kan ku xiga’ waxay ula dhaqmaan wax walba si ay iyagu iska leeyihiin.” Haweeneeydii waxay noqotay casaan, waxayna raacisay, “cidna waxba iskama laha. Waayo waxaanu ka kiraysanaa aqallada aanu deg- ganahay dawladda, taasina waxay suurta geli kartaa inta aanu awoodno in aanu iska bixino canshuurta dawladda?” Yoonis waxa uu sii raaciyay, “waana sababta raggaasu ay u baabi’inayaan aqalkaaga?” “Dabcan waan bixiyay can- shuurta la isku habaaray!” Haweeneeydii baa aad u dhawaaqday, “laakiin taas kuma filnayn iyaga. Wakhtigan Golaha Guurtida waxay leeyihiin qorshahayga aqalka ma uusan qancin qorshahooda – Qorshaha Guddiga. Waxayna i siiy- een xoogaa lacag ah, waxayna u arkayeen qiimaha aqalka in uu u dhigmo in- taas. Imminkana waa ay baabi’inayaan, si ay uga dhigaan jardiinooyin. Jardi- inooyinkan waxay dhexda ku yeelanaysaa taalo aad u wanaagsan – taaladaasna waxay u dhisayaan sidii mid iyaga ka mid ah.” “Waa hagaag,. Wax uun ma kaa siiyeen aqalkaaga,” ayuu Yoonis yidhi. Waa uu fikiray in yar, wuxuuna way¬diiyay, “miyaadaan ku faraxsanayn?” Waxay u eegtay si cajiib ah “Haddii aan ku faraxsanahay, ma’aynaan keensadeen ciidanka nabadda, si ay u hubiyaan in aan uga tago aniga oo nabad qaba. Midda kale lacagta aniga la i siiyay waa mid laga soo qaaday deriskayga. Yaa iyaga lacag u celinaya? Lacagtu kama timaado jeebka Golaha Guurtida.

Yoonis waxa uu ruxay madaxiisa, una ruxay si la yaab leh. “Waxa aad tidhi tani waa qorshahooda?” “Haa! Haah! Qorshahooda!” Haweeneeydii waxay tidhi, “qorshaha waxaa iska leh ciddii awood siyaasadeed iska leh. Haddii aan noloshayda kulumiyo raadin awood siyaasadeed, kadibna qorshahayga ayaan ku khasbayaa cid walba. Dabcan, waan xadi karayaa aqallada intii aan dhisi lahaa. Waa arrin aad u fudud!” “Laakiin run ahaantii waxa aad u baahan tahay qorshe si aad u dhistid magaalo, kaasoo si fiican loo darsay?” ayuu Yoonis yidhi, isaga oo raja wayn ku dhalatay. Wuxuuna isku dayay in uu baadigoobo sharraxaad caqli gal ah, oo sharixi karaysa dhibaatadeeda. “Miyeeynaa ahayn in aad aamintid Golaha Guurtida, si ay ula yimaadaan qorshe hufan?” Waxay ruxday gacanteeda, kuna fiiqday dhinaca magaalada. “Tag oo naftaada u soo arag. Jasiiradda Booliqaran waxa ka buuxa qorshooyin aad u kharriban. Kuwa ugu liita waxay yihiin qorshooyinka mashruucyada la dhameeyay! Kuwani waa kuwa sida xun loo dhisay ama aad iyo aad qaali u ah. Laakiin, Golaha Guurtida waa ay ku faraxsan yihiin, maxaa yeelay, saaxiibadood ayaa hela qandaraas kastaba.”

Iyada oo farta ku fiiqaysa Yoonis feedhihiisa, ayeey waxay tidhi, “Waa nacasnimmo in la aaminaa qorshooyinka dadka lagu khasbo. Kuwa adiga xoogga igu maquuniyay ma’ay istaahilaan in aan aamino!” Waxa ayna dib u eegtay aqalka iyada oo odhanaysa, “ima aynaan maqlin aniga markii ugu dambaysay!”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *