Tuduca 7aad

Labadii Carwo Ee Xayawaanka
Dayrkii mataanka ahaa ee beeshu samaysteen waxa ay Yoonis ka dhigtay mid aan aad u dabacsanayn.

Waxa uu ku sii socday waddadii, Yoonis waxaana ka yaabiyay sharciyada Jasiiraddan dhibaatooyinka badan. Dadku kuma aynaan noolaadeen sharciyo aynaan ku faraxsanayn? Waana in halkan uu ka jiraa sabab wacan oo uusan wali ogayn. Waxayna u eg tahay meel aad u wanaagsan oo lagu noolaan karayo; dhulkuna waxa uu u ekaa cagaar, hawaduna waxay ahayd mid wacan oo kulul. Tanina waxay tahay barwaaqo. Yoonis waa uu nastay. Wuxuuna ka nastay socdaalkiisii uu ku dhexmarayay magaaladan.

Markiiba waxa uu soo gaaray waddo labada dhinacba kaga wareegsan yihiin fiilooyin. Fiilooyinka gadaashooda waxaa taagnaa habar dugaag uu aad ula yaabay, midabbo kala duwanna leh – shabeel, dameer-farroow, daanyeerro – badankood lamaba tirinkaro. Fiilooyinka kale gadaashooda ee dhinaca bidixda waxaa tuban rag iyo dumar, dhamaantoodna waxay xiran yihiin shaadhadh iyo surwaallo madoow iyo cadaan xariijimo leh. Labada kooxood ee iska soo horjeedana waxay ahaayeen wax lala yaabo. Wuxuuna arkay nin xirnaa dhar isu eg oo madoow, Yoonis markiiba waa uu u tagay, isagoo waardiyaynayay ganjeellooyinka xiran. “Fadlan mudane,” ayuu ugu yeedhay si ay akhlaaqi ku jirto. “Maad ii sheegi karaysaa waxay gidaarrada dhaadheer dadku ugu jiraan?”
Isagoo aan codkii badalaynin waardiyihii wuxuu ku jawaabay, “fiillooyinka ka soo horjeeda waddada waxay yihiin xarunta xayawaanka.” “Goow.” Ayuu Yoonis yidhi, isagoo oo eegaya koox xayawaan ah isla markaana ruxayey dibabkooda.

Waardiyaha waxaa caada u ahayd in uu caruurta dalxiisgeeyo. Wuxuuna iska sii watay khudbadiisii. “Sida aad arki kartid waxaanu haynaa xayawaan kala gedisan kuna sugan carwada xayawaanka,” ayuu farta ku fiiqay waddada dhinaceeda kale. “Waxaanu haynaa xayawaan laga keenay adduunka oo dhan. Fiillooyinkani waxay dhawrayaan amniga xayawaanka ku nool halkan, dadkuna waa ay baran karayaan, mana hayn karayno xayawaan aan la aqoon, oo meel walba meer meeraya, dadkana waxyeela, lehna dabeecado xun xun.”

“Waaw,” ayuu Yoonis yiri. “Waxay kugu qaadatay lacag aad u badan in aad ku soo wada uruurisid xayawaankan oo dhan, oo aadna ka keentay adduunka intiisa kale, iyo in aad goobtan isugu keentid.”

Waardiyihii wuxuu u dhoola caddeeyay Yoonis, isaga oo ruxaya madaxi- isa. “Ma’aanan bixin lacagta carwada. Cidkasta oo magaalada deggan ayaa bixisay lacagta carwada.” “Cidkasta?” ayuu ku celiyay Yoonis, isaga oo geli- naya jeebkiisa labadiisa gacmood. “Waa hagaag, waxaa jira qaar diiddan mas’uuliyaddooda. Qaarkood waxay yiraahdaan bixin mayno lacagta carwada, danina nooguma jirto bixinteeda. Qaar kalena waa ay diideen, maxaa yee- lay, waxay aaminsan yihiin in xayawaanka lagu sameeyo darraasaad cilmiyeed, iyaga oo deggan deeggaankooda.”

Waardiyihii waxa uu u jeestay dhinaca kale, si uu isugu beego silsiladda ka dambaysa, isaga oo kala dhigaya silsiladdahan ad adag, ee laga galo carwada inteeda kale. “Marka shicibka wadaniyiintu diidaan inay bixiyaan canshuurta carwada xayawaanka, waxaanu ka saarnaa dhulka ay ku nool yihiin, waxaa- nuna keenaa halkan, oo ay nabad ku helaan, kana dambaysa silsiladdahan ad-adag. Dadkaas cajiibka ahna halkaaas ayaa baaris lagu sameeyaa, waana laga mamnuucayaa in ay meelaha iska meermeeraan, iyo si aynaan bulshada wax u yeellin.”

Yoonis aad ayuu ula yaabay, isaga oo isku eegayay laba kooxood oo ka dambeeya gidaarka, Waxa uu iswaydiiyay in uu karo ama kari doono, in uu iska bixiyo lacagta lagu daryeelayo labada carwo iyo mushaharka waardiyaha. Waxa uu sii adkaystay gacantii uu ku haystay gidaarkii carwada xayawaanka, isaga oo si gaar ah u eegaya wajiyada maxaabiista, laga qaaday dharkoodii oo dhan. Kadibna, waxa uu u soo jeestay, si uu u darso wajiga waardiyaha, waxa uuna imminka bilaabay in uu u socdo horay iyo gadaal. Isaga oo horay ugu sii soconaya, Yoonis waxa uu dib u eegay gidaarkii, isaga oo iswaydiinaya cidda samaynaysa dhibaatadda, dadka gudaha ku jira ama dadka dibadda ka jooga silsiladaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *