Tuduca 9aad

Mashiinkii Riyada
Sanduug layaab leh oo dhaliyay mushkilooyin iyo xidhitaankii warshadda.

Yoonis waxa uu ku war wareegay gidaarka ku xiga waddada, isaga oo ka walwalsan sidii uu dib ugu noqon lahaa aqalkiisa. Dabcan waxa jira dekad halkaas ku taallay, oo uu ka ogaan karo marka markab kusoo socdo ama ku soo xidho. Waxa uu yahay qof niyad wanaagsan, daacadna ah, jecelna in uu qabto shaqo kasta.

Markii uu ku fikiray in uu raadsado shaqo, Yoonis waxa uu arkay nin xidhan dhar aad u dhalaalaya, oo indhihiisa soo jiitay. Wuxuuna xidhnaa dhar aad u cas iyo koofiyad aad u sarraysa. Ninku wuxuu isku dayaayay in uu raro mishiin aad u wayn, uuna doonayay in uu ku raro gaadhi faras.

Markii uu indhihiisa ku dhuftay Yoonis, ninkii baa qayliyay, “waryaa, wax- aan ku siinayaa shan shilling, si aad iiga caawisid raridaydan.”

“Shilling?” ayuu ku celiyay Yoonis isaga oo xiisaynaya.

“Lacag, lacagta ka mid ah. Nooca xaanshida lacagta ah. War ma rabtaa mise marabtid?”

“Dabcan,” ayuu Yoonis yidhi, isaga oo aan garanayn wax kale oo uu sameeyo. Mana ahayn shaqo markab, laakiin, dabcan waxa uu shaqaysan karaa xoogaa lacag ah. Teeda kale ninku wuxuu u ekaa wax garad, siin karana talooyin wax ku ool ah. Kadib sidii ay u riixayeen, waxay ku guulaysteen in ay mishiinkii saaraan faraska korkiisa. Yoonis, isaga oo iska tirtiraya dhididkiisa ayuu istaa- gay, oo dib u eegay shaqada culus ee uu qabtay. Sanduuqu waxa uu ahaa mid aad u wayn, kaasoo lagu sameeyay farshaxan aad u sareeyay iyo isaga oo lahaa midab aad u dhalaalayay. Korka sare waxaa kaga yaalay gees aad u waynaa, wuxuuna u ekaa mid waa hore Yoonis uu arkay markii uu joogay dhulkiisa.
“Midab aad u qurux badan.” Ayuu Yoonis yidhi, iyada oo ay ka yaabisay qaabka uu u samaynsan yahay. “Waa maxay geeskaa aadka u wayn ee ku yaala korkeeda?”
“Xagga hore imow, maandhoow, indhahaagana ku arag.” Markiiba Yoonis wuxuu isku qaaday gaari gacankii, isaga oo akhriyaya qoraalka ku qoraa, taasoo loo qoray si dahab la mood ah: “MASHIINKII RIYADA!”

“Mashiinkii riyada?” ayuu Yoonis ku celiyay.

“Ma waxaad u jeeddaa waxay ka dhigtaa riyooyinka dhab?”

“Dabcan waa ay ka dhigi kartaa,” ayuu yiri ninkii dhuubnaa, isaga oo ma- roojinaya musbaarkii ugu dambeeyay, kana soo saaraya xagga dambe ee mashi- inka. Gudahiisana waxaa ku jira warqad kuu sheegaysa sida uu u shaqeeyo. Mana laha meel la qabsado, laakiin wuxuu u eg yahay in la isticmaalo xil- liga guga ah, kaasoo la wareejin karo, si aad u adag, si mashiinku u ciyaaro heellooyin, laxan, iyo codad.
“Waa maxay,” ayaa Yoonis ka soo yeedhay. “Waxba ma’aha aan ka ahayn sanduuqa lagu kaydiyay heesaha qaaraamiga!”

“Maxaad rajaynaysay,” ayuu ninkii yidhi, “khuraafaad haweeneey?”

“Ma’aan garanayo. Waxaan u malaynayaa in ay tahay mid yar, haye, la yaab. Tan kadib, waxay qaadanaysaa arrin aad u qiimo badan in dadka riy- ooyinkooda laga dhigo kuwa run ah.”

Ninkii waxa uu dhigay alaabtii uu siday, wuxuuna u jeestay dhinicii Yoonis. Isaga oo aan waxba u sheegaynin Yoonis ayuu si xun u eegay. “erayooyin ayaan xiisaynayaa saaxiib waxay qaadataa erayo in riyooyinka gaarkood ay ku noqdaan run. Dhibaatadu waxay tahay, ma’aad garanaysid cidda riyoon doonta iyo marka aad wax doonaysid.”
Isaga oo arkay sida uu Yoonis ula yaabay, ninkii waa uu sii watay, “dadku waa ay yaqaanaan riyooyinkooda, sax? Waxa aynaan aqoon sida ay uga dhi- gaan riyooyinkooda run. Sax?”

Yoonis waxa uu ruxay madaxiisa, “waxa aad bixinaysaa lacag, keen furaha, sanduuqan gaboobay waxa uu ciyaaraa sida loo isticmaalo mar walba. Mar walba waa iskumid, mar walbaba waxa jira dad badan oo jecel in ay maqlaan riyooyinkooda.”

“Waa maxay fariintu? Ayuu waydiiyey Yoonis.

“Waa fudutahay. Mashiinka riyada wuxuu dadka u sheegaa in ay ku fikiraan wax kasta oo ay doonayaan in ay helaan, iyo – ” Ninkii dib ayuu u eegay si uu u arko in ay cidi dhagaysanaysay. “Kadibna waa ay u sharaxday dadka riyooda waxay u sharaxdaa riyadooda iyo waxay samayn lahaayeen. Waana in aan ku daraa oo aad ugu sheegtaa si wacan oo iyada qancinaysa.”

“Ma waxaa ujeeddaa dib ayeey u xusuusinaysaa?” ayuu waydiiyay Yoo- nis, indhihiisuna waa ay sii waynaanayeen, “hayaay maya, maya, maya, maya, maya, maya!” ayuu ninkii ku diiday. “Waxa ay u sheegtaa in ay yihiin dad wanaagsan iyo in ay wax wanaagsan waydiistaan?”

“Ma intaa uun baa?” ayuu Yoonis yidhi.

“Waa intaa.”

Kadib intuu aamusay wax yar, ayuu Yoonis waydiiyay, “Markaa kuwan riyadooda maxay waydiistaan?”

Ninkii waxa uu soo saaray qasacad saliid ah, horay ayuuna u sii socday, si uu u mariyo lugaha mashiinka riyada.

“Waa hagaag, waxay ku xidhan tahay halka aan dhigo mishiinka. Inta badan waxaan hordhigaa warshad sida tan oo kale ah.” Wuxuu suulkiisa ku fiiqay, dhinaca aqal labo dabaq ah, kana soo horjeeda waddada. “Mararka qaarkood waxaan hordhigaa aqalka ummadda. Dadku halkan mar walbana waxay rabaan lacag badan. Lacag badani waa arrin wanaagsan, waad la soco- taa, qiimuhuna waa ay sii kordhayaan goor walba.”
“Taas horay ayaan u maqlay,” ayuu Yoonis yidhi.” “Miyeey helaan?” Ninkii dib ayuu u noqday isaga oo masaxaya gacantiisa. “Dadkii riyoonayay waxay soo weerareen Golihii Guurtida waxayna codsadeen sharci khasbaya warshadaha, siinaya shaqaalaha lacag kordhin. Waxayna u doodeen xaquuq- dooda, si warshaddu u siiso wixii ay xaq u leeyihiin.”
“Xaquuq maxay?” ayuu Yoonis yiri. “Sida badbaado. Badbaado badan waa wax wanaagsan waadna og tahay. Markaa shaqaaluhu waxay ku doodeen sharci khasbaya warshadaha si ay u bixiso caymis. Caymis waxtara marka shaqaaluhu ay xanuunsadaan. Caymis waxtara marka shaqaaluhu ay noqdaan shaqo la’aan, xitaa caymis waxtara marka shaqaaluhu uu waayo naftiisa qaaliga.”

“Taasi aad bay u wanaagsan tahay! Ayuu yidhi Yoonis. “Shaqaalahaasi waxay ahaayeen kuwo aad u faraxsan.”

Dib ayuu u jeestay si uu u eego warshadda, wuxuuna aqoonsaday in ay- naan waxba ka socon ka soo horjeedka waddada. Rinji qayirmay ayaa daarta ka dhigay mid la moodo inay gaboowday, mana laha nal ifaya, kana ifaya dariishadaha uraya ee ka muuqda meel walba.

Ninkii wuxuu dhamaystay shaqadiisa, wuxuuna adkeeyay musbaarkii, kuna adkeeyay halkii uu ku jiray. Markii ugu dambaysayna wuxuu nadiifiyay roogii aqalka. Ganacsadihii wuxuu dib ugu soo booday kaariyoonihii, isaga oo eegaya dhinacyadiisa. Yoonis waxa uu u booday hoos, isaga oo ku jeesanaya, “waxaan idhi, waxay ahaayeen kuwo ku faraxsan in ay helaan lacagtaas oo dhan iyo badbaado – iyo mahadcellin. Ma ku siiyeen abaalgud ama raashin aad ku dabaaldegto?”

“Wax u dhoowtoona!” ayuu ninkii yiri. “Waxaan u dhawaaday in la i siiyo daamur iyo baalal. Waxay baabi’in gaareen Mishiinkii Riyada xalay iyaga oo isticmaalaya dhagxaan, bulukeeti iyo wax kasta oo ay ku tuuri kareen. Wax- aad arki kartaa in warshaddoodii ay xidhnayd, waxayna aaminsan yihiin in Mishiinkani wax ku lahaa.”

“Maxay warshaddu u xidhan tahay?”

“Waxay iigu muuqataa in warshaddu aynaan shaqaysan lacag ku filan oo ay ku bixiso mushaharka shaqaalaha, iyo lacag ay ku iibsato caymis.”

“Laakiin, kadib,” ayuu Yoonis yidhi, “taasi micnaheedu waxa uu yahay riyadii ma aynaan noqon run. Haddii warshadda la xidho cid mushahar helaysa ma’ay jirto. Cid helaysa wax macaash ah ma’ay jirto, cid wax heshay ma’ay jirto! Waxaa ugu wacan, waxaad tahay qof aan waxba isku falayn, mudane BIRTUN. Waxaadna ugu yeedhay Mashiinka Riyada.”
“U kaadi saaxiib! Riyadu waxay noqotaa run, waxaan idhi ma’aad ogid marka ay riyadaada dhacayso. Inta badanna waxa dhaca marka warshad laga xidho Booliqaran, riyadu waxay noqotaa mid ka dhaboowda meelaha kale. Warshad baa laga furaa meel kale, sida Ceel Macaan, waxayna qaadanaysaa maalmo yar marka halkan laga tago. Halkaasna waxaa ka jira shaqooyin faro badan iyo nabad aad u wanaagsan. Waa hagaag aniguna waan urursan lacagtayda, kana urursan Mishiinka wixii dhacana waxba igama gelin.”

Yoonis wuxuu mooday wax aad u adag horumarka, isaga oo xaqiiqsaday in uu u ambabixi karo Jasiirad kale – iyo iyada oo ah jasiirad barwaaqaysan. “Halkay bay ku taallaa Ceel Macaan?” ayuu waydiiyay.

“Bariga fog ee innaga shisheeya. Dadka Ceel Macaan waxay leeyihiin war¬shad sida tan oo kale ah, taasoo samaysa dhar iyo waxyaabo la mid ah. Marka qiimaha alaabta warshaddu ay kor u kacdo, warshadahoodu waxay helaan dal- abaad aad u faro badan. Waxayna fahamsan yihiin in ganacsiga badani uu yahay mid cid waliba ay faa’iido ugu jirto – mushahar iyo nabad. Ma aad ‘waydiinsan kartid’ ganacsi kale.”

BIRTUN wuxuu u xidh xidhay Mushiinkii, Riyadu halkan waa mid ka dhacda – ahna kuwo la keeno. Markaa dad kalena waxay ka faa’iidaystaan Riyooyinkooda.”

Wuxuu siiyay Yoonis lacagtii uu shaqaystay, kadibna wuxuu ku booday gaadiidkiisii. Yoonis wuxuu eegay lacagtii la siiyay, kadibna wuxuu ka walwalay in aynaan qiima lahayn. Waxayna la mid tahay lacagtii ninkii iyo haweeneeydu tuseen, kuna tuseen meesha ka soo horjeedda xarunta samaysa lacagaha. “Mu¬dane, BIRTUN! War Mudane BIRTUN!”

“Haa?”

“Maad i siin kartaa lacag ka duwan tan ama nooc kale ah? Waxaan u jeedaa lacag aan qiimaheedu uusan hoos u dhacayn?”

“Tani waa lacagta sharciga ka ah halkan, saaxiib. Waana in aad qaadataa. Ma waxaad u malayn lahayd in aan isticmaali lahaa haddii aan doorasho la- haan lahaa? Waa in aad isticmaashaa markiiba!’ Ninkii wuxuu ku qayliyey dameerkiisa, kadibna waa uu iska tagay.
Yoonis waa ka daba qayliyay, “halkee baad tagaysaa?”

“Halkeey baa tegis leh!”

aragtidaada nala wadaag...