Tag Archives: CabdulCasiis Xasan Yacquub

Soonka, Taraawiixda iyo Sakada

CabdulCasiis Xasan Yacquub

 

Xafiiska Isu-Kaalmeynta Dacwada iyo Toosinta

Qeybta Jaaliyadaha

Sanduuqa Boostada: (20824) Riyaad, Sucuudiga

Tel. 4030251

Faakis: 4030142

 

Shacbaan, 1410 Hijri

 

 

 

Mahad Ilaah baa leh, waynu u mahad celin, kaalmeysan, dembi dhaaf weydiisan, ka magan gali sharka iyo sheydaanka nafteenna ku lammaanan, falalka aan wanaagsaneyn iyo inay innaga dhacaan arrimo khilaafsan sharciga daahirka ah – kitaabka Ilaahay iyo Sunnada Rasuulkiisii (SCW).

Qofkii uu Ilaah hanuunin, habow iyo heehaab isdaaye, kiise silic iyo saxariir ka doona sarreeye Ilaah ee siraadka toosan aan raacin, diidanna inuu hannaanka noloshiisa iyo habdhaqankiisa ka qaato Qur’aanka cadiimka ah iyo Sunnada Rasuulkii caddaaladda Maxamed (SCW), Rabbina u qoro habow iyo heehaab, qofka sidaa ah hanuun iyo hooraarsan kala tage, ba’ iyo hoog buuna hirgeli, adduunka waa u jahwareer; aakhirana jeebado iyo jahannama.

Waxaan qirina in ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla mooyee, Ilaah keliya oo ayan cidna wax la wadaagin, waxaan qirina in Maxamed yahay addoon iyo rasuul Ilaahay soo diray, nabad iyo naxariis Ilaah dushiisa ha ahaato nebigeennii, ehelkiisii asxaabtiisii, iyo cid kastoo xaqa ku raacday (aamiin); kaddib

 

Munaasabadda bishan Ramadaanka ee barakeysan, waxaan u soo gudbin walaalahay Muslimiinta ee Soomaaliyeed cutubyadan soo socda, waxaynuna ka baryi Ilaahay inuu ka dhigo camalkayaga midaynu Ilaahay oo keliya ulajeedno, kagana abaal dooni, iyo camal uu raalli ka yahay, shareecadiisa waafaqsan, shacbiga Soomaaliyeedna waxtar u yeesha.

 

  • CabdulCasiis Xasan Yacquub

 

 

TUSMADA

CUTUBKA KOOWAAD: WAAJIBNIMADA SOONKA

CUTUBKA LABAAD: UJEEDDADA IYO FAA’IDOOYINKA SOONKA

CUTUBKA SEDDEXAAD: MIYAA SOON LAGA DOONI QOFKA XANUUNSAN IYO QOFKA SOCDAALKA AHI?

CUTUBKA AFARAAD: WAXYAABAHA BURIN – JABIN – SOONKA.

CUTUBKA SHANAAD: SALAADDA TARAAWIIXDA. CUTUBKA LIXAAD: SAKADA IYO FAA’IDOOYINKEEDA.

CUTUBKA TODDOBAAD: HANTIDA AY SAKADU KU WAAJIBTO IYO INTA SAKO AHAAN LOOGA BIXIN. CUTUBKA SIDDEEDAAD: QOLOOYINKA MUDAN SAKADA

CUTUBKA SAGAALAAD: SAKAATUL FIDRIGA.

 

 

CUTUBKA KOOWAAD: WAAJIBNIMADA SOONKA

In la soomaa bisha Ramadaan waa waajib iyo fariido ku sugan kitaabka Ilaahay iyo sunnada rasuulkiisii (SCW), muslimiintana isku wada raacsan tahay:- Wuxuu yiri sarreeye Ilaahay:

“Kuwa Ilaah rumeeyow waxaa laydinku waajib yeelay inaad soontaan, sidaynu ugu waajib yeelnayba ummaddahii idin ka horreeyey, u jeeddada waajibinta soonkaa dushiinna waa inaad cabsi Ilaah ka kororsataan, uuna idin noqdo -tababar- si aad xumaha iyo xildarrada isaga dhowrtaan, soonkaa oo ayaamo tirsan ah – ciddii uu markaa xanuun hayo ama socdaal ah waxaa bannaan inuu afuro dibna ka qalleeyo.

Qofkii aan karinse gabow awgi ama cudur ku lammaanan miskiin ha quudiyo maalin waliba oo soon laga dooni… kiise quudiya tiro miskiin ka badan waa kheyr iyo abaal uu naftiisa u hormarsan… Qofkii karase soonkaa uu fadli iyo kheyr badan.

Bisha Ramadaan oo ah bishii aynu Qur’aanka soo dejinnay, Qur’aankaa oo hanuun ah, kalana caddeyn xaqa iyo baadilka… kolkay bishaa soo gasho qof kastoo muslim ah, qaan gaar, fayow, degaanna ah waa inuu soomaa… Qofkiise uu xanuun hayo ama socdaal ah waxaa u bannaan inuu afuraa, dibse ha ka qalleeyo, wuxuu Ilaahay dooni sida idiin fudud iyo dhib la’aan, oo idinlama doonayo culeys… wuxuuna dooni inaad tirada soonka dhammeystirtaan, deetana takbiir falid iyo Alla weyneyn guda gashaan iyo idinkoo uga mahad naqa galladdaa waafajinta soonka.”

Wuxuuna yiri nebi Maxamed nabad iyo naxariis dushiisa ha ahaatee:

 

Imaam Muslimna wuxuu ku soo wariyey xadiiska Lafdiga ah:

Macnaha xadiiska waxaa weeye:

“Tiirarka Islaamka ku dhisan yahay waa shan, qiritaanka in ilaah xaq loogu caabudo uusan jirin Alla keliya mooyee, Maxamedna yahay rasuul Ilaahay soo diray, oogitaanka salaadda, bixinta sakada, soomidda bisha Ramadaan iyo gudashada Xajka – qofkii awooda.” Xadiis laysku raacsan yahay.

 

Mid waliba oo shantaa tiir ka mid ahina ujeeddo iyo xigmad ballaaran ayaa ka dambeysa, nasiib darrana waxaa ah in dadka samankan badankood macnaha iyo fahankeeda ka marriin iyo maskax habaabeyn, madow iyo mugdi badanna ay ka gashay… qaadeenna dhabbo caro Ilaah keeni, laguna naar tegi.

 

Wuxuu Ilaahay amray, tiirka horena yahay ee Islaamka in Ilaah la mideeyo, ee aan cibaadada uu inoo abuurtay cid kale loo leexin, lala wadaajin, taa oo shirki lagu gaaloobi ah, wuxuu sharcigu dhigay in lagu gaar yeelo Ilaah baryada gaar ahaan arrimaha ayan cidaan isaga aheyn karin sida caafimaadka, hanuunka, carruur weydiisiga iwm aan cid kale laga baryin, nebi Ilaah soo diray, malag daraja leh, awoowe hore, weli saalax ah, wuxuu ahaadaba, cidna aan lala wadaajin baryada darajaday doonaan ciddaa ha lahaatee waxaan bannaaneyn iyadana ee falka gaalada iyo mushrikiintii iyo qowlka Rasuulka (SCW):

 

Ama inaad cid u heyso maxabbad iyo kalgaceyl ka badan taa qofka la doonayo inuu Ilaahii abuurtay u hayo, tixraac qowlka sarreeye Ilaahay:

 

Ama inaad cid kaga raalli noqoto ood ku raacdo inay waxay doonaan kuu xalaaleeyaan waxay doonaanna kaa xaaraantimeeyaan tixraac qowlka sarreeye Ilaahay:

 

Ama inuu qof dejiyo, ama soo saaro, ama banneeyo, ama ka raalli noqdo, sharci ama distoor, ama xeeraan ku saleysneyn, khilaafsanna kitaabka Ilaahay, iyo sunnada rasuulkiisii (SCW), tixraac qowlka sarreeye Ilaahay:

 

Arrimahaa oo shirki lagu gaaloobi ah siday Ilaahay iyo rasuulki (SCW) inoo sheegeen, aayadaha Qur’aanka iyo axaadiista rasuulka (SCW) ay muujin.

Waxaa kaloo ka mid waxyaabaha burin ashahaadada inaadan dan u gelin, tixgelin, ku dadaalin, ka jeesato barashada kitaabka Ilaahay iyo ku camalfalkiisa, tixraac qowlka sarreeye Ilaahay:

Sidayna weesadu u leedahay waxyaaba buriya bay ashahaadaduna u leedahay arrimo buriya, qofkana waxaa laga dooni inuu barashada kitaabka Ilaahay ku dadaalo, ehlu cilmiga daacadda ahna la xiriiro, fuliyana wuxuu Ilaahay ugu yeeri taa oo ah macnaha qaybta hore ee ashahaaada.

Macnaha qiritaanka in nebi Maxamed yahay addoon iyo rasuul Ilaah soo diray ma aha marqaati fur oo keliya, balse ujeeddada ka dambeysa waa wuxuu ina faray oo aynu ku fartoonno, wuxuu diidayna ka dheeraanno, sunnadiisana baranno, raacnana, maxabbad ka badan taynu u heyno maalkeenna, waalidkeen iyo owlaaddeenna u heyno, rasuulkaa Ilaahayna ku dayanno, hadalka Ilaahay iyo hadalka nebi Maxamed aynu cidna ka hormarin.

 

Ujeeddada tiirka labaad ee Islaamka oo ah salaalaadda, waa siduu Ilaahay inoo sheegay:

 

Oo macnaheedu yahay:

 

“Oog salaadda, waayo salaaddu waxay qofka ka reebtaa faxshi iyo foolxumoo dhan – xumaha ka hor istaagtaa iyo munkarka.”

 

Qofkii ayan salaaddiisu xumaha ka reebin, salaad lama iman.

Balse waa salaad dhimman, khashuuc la’aan iyo qalbi maran lagu tukaday, raadna aan laheyn.

Waxaad arki qof salaadda kula tukan, aan waqtigiisa kaga faa’ideysaneyn barashada wuxuu Ilaah faray, baar fariisi u carari, ama haasaawe xaaraan ah, sidaana waqtigiisa ugu cayaari, baarkaa oo heesa in laga sii daayo laga yaabo, heesahaa miyuusigga wata ee xaaraantaa ah, qof dumar ah ee aan xijaabkii Islaamka xirneyn ay ragga u adeegeyso, taa oo xaaraan kale ah. Waxaad arki qofkaa inuu iska geli guri uusan laheyn idin la’aan, taa oo xaaraan ah, gacan qaadi dumar uu gayo, taa oo xaaraan ah, la haasaawo iyo fadhi wadaagi dumar uu gayo, guurna ka dhaxeyn, taa oo xaaraan, hannaanka noloshiisa ay xaaraan u badan tahay kaddibna ku oran waan tukadaa oo Muslim dhan ayaan ahay!

Waxaa laga yaabaa ragga qaarkood intay damiir iyo qalbad beeleen, inayan xaasaskooda, gabdhahooda, iyo dumarka kale ee ku hoos nool ayan ugu yeerin, ku qasbin inay xijaabka Islaamka oo ah maro ama shuko waasic ah oogadadooda wada asturta qaataan, iyo inay ragga gaya – guurna ka dhaxeyn – ka xaroodaan. balse u qiraya inay la sheeko wadaagaan, ninka sidaa ahna ee u gogol dhiga ragga iyo dumarka inay faaxishad iyo zino ku dhacaan, wuxuu qaaday dhabbaha dayuuskii uu rasuulkii Ilaahay (SCW) inuu sheegay inuusan janno galeyn, kaa oo kale, sheydhaan kaaliyaha ah. ragga iyo dumarka isku fitneyn. amarka Ilaahayna khilaafsan, zinada u gogol dhiga, bal salaaddiisa ka warrama? Waxaynu ognahay in qofka muslimka ahi salaadaha faradka ah Ilaahay toddobo iyo toban jeer ka baryo kolkuu akhrinayo Faataxada inuu ku hanuuniyo dhabbaha toosan ee ah Qur’aanka iyo Sunnadii rasuulkiisii (SCW) barashadooda iyo ku camal falkooda isla markaana ka duwo, uusan qaadinna marriinkii kuwa loo carooday oo ah Yahuudda, waayo iyagoo cilmi u leh diinta baynan ku camal falin… iyo kuwa ka habaabay xaqa oo ah Nasaarada (Kirishtaanka) ee khalad iyo qallooc iyo cilmi la’aan Ilaah ku caabuday… Qofka salaad kastoo uu tukado intaa Ilaah ka baryi, aanse siraadka toosan doonaneyn, daneyneyn, barashada kitaabka Ilaahay iyo Sunnada rasuulkiisii (SCW) raadsaneyn, si uu ugu dhaqmo, noloshiisa adduun iyo aakhiraba u hagaagta, hadduu barto ama xaqa la gaarsiiyo aan ku dhaqmeyn, maxaydun ka oran salaaddiisa?

Waa salaad qalbi maran iyo khashuuc la’aan lagu tukan, qofkana uusan dareensaneyn cadamada, weynida, jalaalka, jamaalka, iyo cisada Rabbiga uunkoo dhan barbaariyey, qofkaana waa qofay mugdi iyo madow ay kaga jidho in dadku labo makaan masiirkoodu kala noqon iyo hoygay ku dambeyn janno nasiino iyo nasteexa leh, ama naar nabsi iyo naclad Ilaah ay kuu wehliso…

Sakada iyo soonka oo iyagana shanta tiir ee islaamka ka mid ah si gaar ah ayeynu buuggan uga hadli. Xajkana waa cibaado jaamic ah, kulmineysa ujeeddooyinka ashahaadada, salaadda, soonka iyo sakada.

Waxaynu u noqon mowduucii kitaabka, kolkaan idiin soo koobay tiirarka Islaamka ee laba tiir ka mid ah soonka iyo sakada aynu si gaar ah buuggan ugu hadli doonno, waxaynu oran:

Waxay Muslimiinta isku wada raacsan yihiin inay fariido waajib ah tahay soomidda bisha Ramadaan, qofkii diidaa ee taa inkiraa ee soomi diidana, waa qof diintii Islaamka ka noqday ee gaaloobay.

Waxaana loo soo jeedin inuu ka noqdo diiddada iyo jaaxidaadda soonka, hadduu ku adkeysto, diiddada soonka iyo inuusan waajib aheyn waxaa lagu xukumi dil, noqonna ruux gaalnimo ku dhintay riddoobay oo lama dhaqayo, lama kafnayo, laguma tukanayo, lagumana aasayo qubuurta muslimiinta, Ilaahay baynu taa ka magan geliye.

Waxaana la waajib yeelay in la soomaa bisha Ramadaan sannadkii labaad ee hijriyadda, wuxuuna soomay rasuulkii Ilaahay (SCW) sagaal Ramadaan, soonkuna waa ku waajib qof kastoo Muslim ah, qaan gaaray, garasho leh, ee soonka kara.

Sidaa awgeed buusan ugu waajib aheyn qofka gaalka ahi oo aan laga aqbaleyn hadduu soomo illaa uu ka islaamo, iyo qofka aan tukan, salaaddana ku waajibtay, waayo ka tagidda iyo iska deynta salaadda waa kufri iyo gaalnimo, tixraac xadiiskan rasuulka (SCW):

Iyo sidoo kale qowlkan rasuulka (SCW):

Wuxuuna yiri sarreeye Ilaahay:

Sidoo kalena wuxuu yiri:

Aayadahan iyo axaadiista aynu soo sheegnay waxay muujin kufriga iyo gaalnimada qofka aan tukan, sida awgeed kama ansaxayso soomid qofka aan tukan, saa waa gaale oo waa inuu tukadaa salaaddana jamaaca ahaan u daa’imaa:

Waxaa sidoo kale diinta looga bixi oo kufri iyo gaalnima ah inaad bisha Ramadaan oo keliya soonto, salaaddana tukato, Ramadaanka kaddibna ay taladaadu tahay inaad salaadda ka tagto, qofka sidaa oo kale ah bisha Ramadaan caabudo sharei jeebkiisa ah ayuu sameystay iyo diin hor leh, hadduu sidaa la soo banbaxana, bareer u doorto, kana toobad keeni waayo, waa gaal murtad ah, waxaan seef aheynna ma leh. Waxaynuna ugu yeeri kaa bisha soon caabuda, iyo matukadahaba inay Ilaahay ka baqaan, sharcigiisana u hoggaansamaan iskana jiraan naartaa:

Loo diyaariyey oo loogu tala galay gaalada, oo ay kitaabka Ilaahay iyo sunnada rasuulkiisa (SCW) bartaan, hannaanka noloshooda ka qaataan, habdhaqankoodana waafajiyaan, si ay ugu galaan fadliga iyo naxariista Ilaah, innagana macigood, fadliga iyo naxariista Ilaah jannadaa:

“Loogu tala galay kuwa Eebbahood ka baqa.”

Kumana waajib aha soonka ilmaha saqiirka ah, tan iyo intay ka qaan gaari, wuxuuna qaan gaar noqon kolkuu shan iyo toban sano gaaro, ama timaha hoose – caanada – ay ka soo baxaan, ama shahwad yeesho – mino.

Waxaa u dheer qofka dumarka ahi intaa oo calaamad qaan gaar ah hadday caadadii isku aragto – dhiigga xeydka – hadduu qofka saqiirka ahi calaamad ka mid ah calaamooyinka aynu soo sheegnay isku arko wuu qaan gaaray.

Hayeeshee waxaa habboon in ilmaha yar la amro inay soomaan -hadday awoodaan, dhibna ku aheyn – si ay yaraanta ugu caadeystaan salaadda iyo soonkaba. Kumana waajib aha soonka qof caqli beelay waalli darteed ama maan doorsamay ama qof cantatabay ee aan waxba kala garaneyn…

Sidaa awgeed, hadduu qofku yahay da’ isku dardarsamay aan waxba kala garaneyn, soon lagama doonayo iyo quudinba.

 

CUTUBKA LABAAD: UJEEDDADA SOONKA IYO FAA’IDOOYINKIISA

Magacyada Ilaahay waxaa ka mid ah – Al Xakiim – xakiimna waa ciddii xikmad ku sifowday.

Xikmadduna waxaa weeye hagaajinta amuuraha iyo dhigiddooda halkii loogu tala galay.

Waxaynuna ka garan magacaa ka mid ah magacyada sarreeye Ilaahay in wax kastoo Ilaah abuuray, ama na amray ee sharciguu dhigay ah ay ku saleysan tahay xigmad qoto dheer.

Soonka uu Ilaahay jideeyey, addoommadiisana faray, wuxuu xambaarsan yahay ujeeddooyin waaweyn iyo faa’iidooyin ballaaran.

Waxaa ka mid ah ujeeddooyinka soonka waa cibaado uu addoonkaa Ilaahay ugu dhowaan Rabbigiis, isagoo qofkii uu ka tagayo waxyaabaha uu xiseeyo, jeclaantoodana lagu abuuray ee cunto iyo cabitaan leh, iyo u tagidda ninka haweeneydiisa maalinnimada soonka.

Qofkuna wuxuu arrimahaa u deyn Ilaahay darti, si uu qofku u helo raalinnimada Ilaahaa abuuray, daartiisa darajada sare iyo karaamada leh ee jannada ugu guuleysto.

Qofkuna wuxuu ka qaadan halkaa oo uu ka kororsan darsin iyo cashar ah inuu waxay naftiisa dooni ka hormariyaa wuxuu Ilaahay dooni, aakhirada iyo adduunka ugu howlgeli sida Rabbi raalli gelin, markaa buu wuxuu noloshiisa saldhig kaga dhigi, hannaanka iyo habdhaqankiisa ka qaadan Qur’aanka kariimka iyo Sunnada rasuulka (SCW) barashadoodana ku dadaali iyo ku camalfalkooda.

Waxaa sidoo kale ka mid ah ujeeddooyinka soonka inuu qofka kororsodo iimaan iyo taqwo iyo ka cabsasho Ilaah, iskana ilaaliyo naar xanuun badan, camalkii ka badbaadin lahaana la yimaado, ay gashana dareen ah inuu carada iyo cadaabta Ilaahay iska jiraa, taana wuxuu qofku gaari hadduu u guto waajibaadka soonka si dhan, xilalka islaamino ee bishaa ku hareersanna kaga soo baxo si habboon.

Wuxuu yiri sarreeye Ilaahay:

Macnaha aayaddana waxaa weeye:

“Kuwa Eebbe rumeeyeyow, waxaynu waajib idiinkaga dhignay inaad soontaan sidaynu ugu waajib yeelnayba ummadahii idinka horreeyey, waxaydun mudan inaad Rabbi ka cabsataan.” Suuradda Al-Baqara.

Qofka soomanna waa inuu Ilaah ka baqaa, ee uu la yimaado wuxuu Rabbi faray oo dhan, kana dheeraado wax kasta ee uu Ilaah ka reebay, u diiday, ka har yiri, waana ujeeddada ugu weyn ee soonka laga leeyahay, mana aha ujeeddada iyo danta ka dambeysaa soonka in qofka la caddibo la dhibo, cunitaanka, cabitaanka iyo u tegidda xaaskiisa laga cesho, balse waa tababbar si aad xuduudda Ilaahay u dhowrto.

Wuxuu yiri nebi Maxamed (NNDHA):

Macnaha xadiiska waxaa weeye:

“Qofkaan iska deyn oo aan ka tagin hadal iyo camal kastoo xun iyo hareer marka xaqa qowl iyo ficilba, Ilaah kama doonayo inuu iska cuna qabateeyo cunnada iyo cabitaankiisa.”

Waxaa soo wariyey Al-Bukhaari

Qowl suureedka xadiisku tilmaamayo waa qowl iyo hadal kastoo xun ee xaaraan ah, sida beenta, xanta, war xun u kala geynta dadka, af lagaaddada iyo hadal kastoo xaaraan ah, waa inuu qofka sooman ka fogaadaa waxyaabahaa.

Camal suureedka xadiisku tilmaamayana waa fal kastoo xaaraan ah sida duullimaadyada gardarrada ah ee qabiillada iyo dadka dhexdooda ah, khiyaanada, dhagarta, dagaallada aan xaqa aheyn ee aan loola jeedin kor yeelidda kalmadda Ilaahay, boobka iyo dhaca, laaluushka, ganacsiga kiisa xun, kaydinta badeecadda si dadweynaha loogu qaaliyo, xijaab la’aanta oo ah dumarka oo aan ka asturan oogadooda sida timaha, luqunta, wajiga, gacmaha, lugaha iyo dhammaan xubnaha jirkooda ragga gayaankooda ah, guurna uusan ka dhaxeyn, sida uu Ilaahay Qur’aanku ku amray, nebi Maxamedna Muslimiinta ku adkeeyey arrintan oo ay dad badan dhayalsadeen oo ay ku halaagsami haddayan ka soo waaban.

Waxaa kaloo ka mid ah camal suureedka xadiisku sheegayo is dhexgalka ragga iyo dumarka is gaya – nikaaxna uusan ka dhaxeyn – xitaa hadday qaraabo iyo xigto yihiin, iyo haasaawe ama qosol wadaaggood, arrimahaa oo xaaraan ah… sharcigu Islaamku diiday waxaana yaab leh inay dadku ku yaabaan qofka isagoo khamri cabsan la arko, ha yeeshee ayan ku yaabeyn haweeney Muslimad baan ahay leh haddana aan xijaabka Islaamka Ilaah faray qaadaneyn, ragga gaya u soo ban bixi, ama suuqa soo aadi, ama dugsi, iyadoo ay xubno oogadeeda ka mid ah ay qaawan yihiin, sida timaha, luqunta, gacmaha, ama maryo khafiif ahba xiran, ama ciriiri ku ah, ama gaaban, ama surweel iyo shaar xiran, ninkeeduna ama waalidkeed ama cidda kale ee ka mas’uulka ahi ay ku eeganayaan arrintaa xishood iyo xushmad la’aanta ah, caasin Rabbi iyo rasuulki, fitnad lagu duni iyo diin seegi, xaaraan ku cad kitaabka Ilaahay iyo sunnada rasuulkiisii (SCW) laguna naar tegi.

Waxaa sidoo kale soo geli camal suurka xun ee xaaraanta ah dhageysiga heesaha miyuusigga wata ee zinada iyo isutagga xaaraanta ah ragga iyo dumarka isugu yeeri, ama idaacad ha laga dhagayesto ama cajalade.

Waxaad arki qof Muslim baan ahay leh oo dhageysan ama xaaskiisa gabdhahiisa iyo wiilashiisa u soo iibin cajalado ku heesaya luuqadii sheydaanka, sida ‘Dhabta miyaan ku saaraa’, ‘Yaa gareyska kaa fura kuu salaaxa gaaddada,’ fankaa qurmoonka ah ee lagula dagaalayo diinta iyo asluubta wanaagsan dhageysan.

Heesahana samankan badankood waa labo nooc, kuwo qurmoonkaa dadka ugu yeeraya, foolxumo iyo faaxishad, zino iyo dhilleysi iwm.

Waxaa sidoo kale ka mid ah camal suurka xaaraanta ah gelitaanka aflaanta, riwaayadaha, akhriska buugta jaceyl sheydaanka xambaarsan oo ah dhabbaha loo maro dhilleysiga iyo xishood la’aanta, waana waajib saaraan Muslimiinta inay ooryahooda, ubadkooda iyo ciddii ku hoos noolba ay ka manciyaan, kagana digaan foolxumadooda, kana reebaan aflaanta, riwaayadaha, akhriska buugta jaceyl sheydaanka iwm.

Waxaa sidoo kale qofka sooman laga dooni inuu ka fogaado daawashada taleefishanka, waayo shartiisaa aad uga badan kheyrkiisa, iyo inuu ka dheeraado qofka qamaarka, turubka, iyo inay ragga dumarka isu ekeysiiyaan, ama dumarka ragga isu ekeysiiyaan, sida qof haween ahoo surweel iyo shaar xirata, rasuulkii Ilaahayna (SCW) wuu nacladay dumarkaa ragga dharkooda xidha, Rabbina naxariistiisa ka fogee… waalidkood, walaalahood iyo xigtada kaga aamustayna dumarkaa saraawiisha dembigay la wadaagi.

Camalka iyo qowl jaahileedka xadiiska ku soo arooray ee uu rasuulka Ilaahay (SCW) kaga digayo qofka sooman waa qofkoo ka taga xilkasnimada, hareer mara xaqa qowl ama ficil ahaan, kuna xadgudba macruufka, sida qofka oo gurigiisa la mid dhiga guryaha gaalada, ka dhiga guri aan waji Islaam ah laheyn ee qof waliba iska soo geli idin la’aan, ninka xaaskiisu ay soo dhoweyn, la fariisan, ama la haasaawi, ama ay qosol la wadaagi rag gayaankeeda ah, sida ilma adeerradeed, ilma abtideed, ilma habreeddeed iyo ragga gayoo dhan, arrintaa oo xaaraan ah, ninkii aan ka hortegin uu rasuulkii Ilaahay (SCW) inoo sheegay inuu yahay dayuus aan janno tageyn ama ayan ninka xaaskiisu ama gabdhahiisa ama dumarka kale ee uu mas’uulka ka yahay, ayan xijaabka qaadan arrinta oo xaaraan ah, Rabbi ka hor imaad, fitneyn rag, xumo u yeerasho, xishood iyo xushmad la’aan, laga dooni nin kastoo Muslim ah inuu xal u helo, si uu naar kaga badbaado, Ilaahna raalli kaga noqdo, oo waa inuu faraa inay xijaabka Islaamka qaataan, sharciga Ilaahayna u hoggaansamaan.

Guriga qof Muslim ah leeyahay waa in salaadda lagu wada oogaa tan iyo intuu toddobo jir u yar yahay, aanna laga oggolaan cidna salaad la’aan waxaan aheyn ilmo toddobo jir ka yar, ama qof dumar ahoo caadadii qabta – dhiiggii xeydka – intaa waxaan aheyn waa inay wada tukadaan iyadoo ay ragga masaajidka ku tukan, dumarkana guriga.

Waa inay dumarka gurigaa ku nool ay ka xaroonayaan ragga gayaankooda ah, xitaa hadday qaraabo iyo xigto yihiin, daah gadaashina ay ka salaamaan, hadduu qofka qaraabo dhow yahay, diintana ku toosan, fitnana aan looga baqeyn, haddii kale may.

Ninkana uusan xiriir la wadaageyn, sheeko, fadhi dumarka uu gayo hadday dumar yimaadaan ay dumarka la joogi, ragna ragga, isdhex galna jirin iyo fadhi wadaag, siduu sharciga Ilaahay dhigi.

Wuxuu yiri sarreeye Ilaahay:

Wuxuu yiri nebi Maxamed (NNDHA):

Waana inay dumarka gurigooda ku eg yihiin waxaan dan weyn aheynna ayan kaga baxeyn, kolkay dan u bixina haweentu iyadoo si wacan u xijaaban baxdaa, tixraac qowlka sarreeye Ilaahay:

Iyadoo idin kaga qaadan bixitaankeedaase cidda ka mas’uulka ahi, ninkeeda.

Waalid, walaal – waxay ahaadaanba – hadduu may yiraahdana ka joogeyso..

Waayo rasuulkii Ilaahay wuu nacladay, naxariis Eebbana heli meyso qofka dumarka ahi ee gurigeeda ka baxda idiin la’aanta cidda ka mas’uulka ahi – xitaa hadday deriska aadi – tixraac qowlka rasuulka Ilaahay:

Raggana waxaa laga dooni inayan dumarka ku eegan, kagana aamusin dumarka ku xadgudubka diinka Ilaahay oo ay sharciga Ilaahay la aamusin, si ay noloshooda adduunka iyo aakhiradaba u hagaagto, dumarkana ay sharciga Ilaahay raggooda ugu yeeraan, hadday ragga xumo doon yihiinna ay arrintooda kala tashadaan ehlu diinka daacadda ah… haddayse reer wanaagsan ka dhalatay Ilaahay ka baqa arrintiisa ha u bandhigto.

Waxaa sidoo kale xadgudub ah, khilaafsan diinta Islaamka iyadoo duqeyda, carruurta, iyo dumarka lagula tartamo fuulitaanka gaadiidka, sida basaska oo lagu ciriiriyo, iyagoo xoog lagu maquuninayo, arrintaa oo diinteenna khalad kaga tarjumi iyo dhaqanka suubban, gunnimana ah…

Waana waajib Muslimiinta saaran in gaadiidka dadweynaha ee xaafadaha u kala goosho rag iyo dumar loo kala sooco.

Sidaa awgeed buu hadduu qofka sooman tixgeliyo aayaddaa iyo xadiiskaa aynu soo sheegnay, arrimahaa xaaraanta aynu soo xusnay ka fogaado, wuxuu u noqon soonka macallin xaqa ku barbaariya, qofka adaabtiisa dhisa, saluuggiisa toosiya, bishii Ramadaanna waxay dhammaan qofkii oo is beddelay, is beddel dhan, isbeddel ka muuqan naftiisa, akhlaaqdiisa, saluuggiisa, iyo gurigiisaba, guri kasta kolkuu hagaagana bulshadoo dhan baa haggaagi, ciriiriga iyo abaartana laga bixi Ilaahay idanki.

Waxaa sidoo kale ka mid ah ujeeddooyinka iyo xigmadda soonka ka dambeysa inuu ogaado qofka hantida leh, garowsado galladaha Eebbe, iyo helitaanka cuntada, iyo cabitaanka uu u fududeeyey iyo guursigaba, markaa buu qofka dareemi dhibaatada cunto iyo cabitaan la’aanta iyo dhibaatada xaas la’aanta, markaa buu qofka Ilaah u mahad naqi, wuxuu farayna uusan wax kale ka hormarineyn kana gaabineyn.

Sidoo kale wuxuu qofka dhab u dareemi shacuurta iyo xaaladda walaalahi Muslimiinta ee saboolka ah ee aan heli karin cunto iyo cabitaan iyo inay guursadaan, markaa buu Muslimiinta dhabta ah u asxaan iyo sadaqo fali, arrimahaana ka kaalmeyn…

Waxaa sidoo kale ka mid ah ujeeddooyinka iyo xigmadaha soonka inuu qofku barto sida uu naftiisa u xukumi lahaa u ilaalin lahaa xumaha kaga xakameyn lahaa, si uu qofka ugu hoggaamiyo naftiisa.

Waxa danteeda ah adduun iyo aakhiraba, Ilaahna dooni, qowlka iyo ficilkiisana waafajin kitaabka Ilaahay iyo Sunnada rasuulka (SCW).

Wuxuuna qofka ka xoroobi inuu noqdo qof sida xoolaha oo kale ah aan karin inuu naftiisa ka hayo waxyaabaha xun ay naftu iyo sheydaanka ugu yeerayaan, sida isutagga ragga iyo dumarka xaaraanta ah, cabitaanka khamriga, cabbitaanka sigaarka – sigaarkuna wuxuu soo geli waxyaabaha xun ee waxyeelleyn nafta qofka, dhaqaalahiisa, caafiimaadkiisa, diintiisa, si guudna loogu xaraantimeeyey kitaabka Qur’aanka iyo Sunnada rasuulka (SCW) iyo wax kasta ay Rabbi iyo rasuulki xaarintimeeyeen, saa dan uma ahee adduun iyo aakhiraba.

Wuxuu sidoo kale qofka ka fogaan, iskana dhowri inuu udhaafaa xudduudda Ilaahay ee uu xadgubo.

Waxaa kaloo uu leeyahay soonku caafimaad, sida ay qireen dhaqaatir Muslim iyo gaalaba leh.

Intaa waa ujeeddooyinka iyo faa’iidooyinka soonka aynu caqligeenna kooban ku garannay iyadoo ay jiri karaan amaba jiraanba ujeeddooyin kale ee intaynu soo xusnay ka weyn, ka muhiimsan ee uu xog-ogaal u yahay Allahaa xakiimka ah, caliimka ah, garashadeenna gaabanna ayan tiigsan karin.

 

CUTUBKA SEDDEXAAD: MIYAA INUU SOOMO LAGA DOONI QOFKA BUKA AMA QOFKA MUSAAFIRKA AH?

Wuxuu yiri sarreeye Ilaahay:

Macnaha guud ee aayadda waxaa weeye:

“Qofkii xanuunsanna ama socdaal ah, hadduu xanuun ama socdaal awgiis la afuro – ha qalleeyo soonkaa waajibka ah oo ha iska gudo ayaamaha kale – kolkuu bogsado ama socdaalka u dhammaado – wuxuu Ilaahay dooni inuu idiin fududeeyo arrimahiina, oo idiin lama doonayo dhibaato.” Suuradda Al-Baqara.

Qofka bukaanka ahina waa inuu laba xaaladood mid yahay:

Midda hore inuu xanuunkaa haya yahay xanuun ku lammaanan ee joogto ah, inuu ka bogsado aan laga rajo qabin, qofkaasi oo kale soonku waajib kuma aha, waayo ma uu karo soonka, wuxuuse quudin maalin kasta oo soon laga dooni ruux miskiin – sabool – ah.

Qofkaana wuxuu yeeli karaa inuu kulmiyo masaakiin tiradooda ay gaareyso cadadka ayaamaha soonka, casha siiyo ama qado, sida uu yeeli jiray Anas bin Maalik – Ilaah ha ka raalli noqdee – kolkuu duqoobay.

Wuxuu sidoo kale qofku yeeli karaa inuu u qaybiyo qaddar dhan kiilo iyo bar oo bariis ah, ama gallay, iwm hadba waxaa ka cunna ah dalkaa, masaakiin tiro ahaan gaaraya tirada maalmaha soonka. Waxaa kaa xanuunka joogtada ah uu hayo la mid ah qofka da’da ah ee aan soonka karin.

Wuxuu halkii soonka quudin masaakiin, sidaynu horay u soo xusnay…

Tan labaad, qofka inuu xanuunsado, xanuun uusan horay u qabin ee ah mid markaa ku yimi, sida xummad, qandho markaa qabatay iwm, kaana seddex xaaladood buu mid yahay:

XAALADDA KOWAAD: Inuusan soonka dhib ku aheyn, wax dhibaato ahna ayan ka soo gaareyn hadduu soomo, markaa soonka waa ku waajib, waayo cudur daar ma leh.

XAALADDA LABAAD: Inuu soonku ku culus yahay, ha yeeshee uusan waxyeelleeneyn caafimaadkiisa, markaana ma habboona inuu soomaa kolba hadduu soonku dhib ku yahay, Ilaahayna rukhsad afurid ah siiyey.

XAALADDA SEDDEXAAD: Inuu soonku waxyeelleyn caafimaadkiisa, markaana waa xaaraan inuu soomaa, dhibaatada naftiisa ka soo gaari kadha soonka awgeed.

Wuxuu yiri sarreeye Ilaahay:

Macnaha aayadda waxaa weeye:

“Naftiinna ha dilina, Ilaahay waa kii idiin naxariistee.” Sidoo kale wuxuu yiri sarreeye Ilaahay:

Macnaha guud ee aayadda waxaa weeye:

“Naftiinna ha dhibana ee dhaqaaleeya, turaanturro adduun iyo tahluko aakhiro ha u horseedine.” sida in sharciga Ilaahay la khilaafo, waa gef uu qofka naftiisa ka geli, dulmi iyo istahlukeyn, waayo qofkii sharciga Ilaahay khilaafa dhabbahii naartuu qaaday.

Waxaana laga soo wariyay nebi Maxamed (NNDHA):

Waxaana lagu ogaan karaa waxyeellada soonku qofku u leeyahay inuu qofka shakhsi ahaantiisa dareemo arrintaa, ama inuu sheego dhakhtar lagu kalsoon yahay. Markay arrintu sidan tahay, qofkuna uu cudurka ku kallifo inuu afuro, isagoo qofkaa ka faa’ideysanaya fasaxaa afuridda ah ee Ilaahay u fidiyey, wuxuu qofkaa dib ka qalleyn maalmahuu afuray kolkuu bogsado, hadduuse qofku dhinto intuusan caafimaadin ka hor, waxaa ka dhici qallahii, waayo wuxuu Ilaah faray inuu soomo ayaamo kale, mana uusan gaarin.

Qofkii dhintase isagoo soon lagu lahaa waajib ah, awoodayna inuu qalleeyo, ha yeeshee aan qalleyn, waxaa ka soomi xigtadi, tixraac qowlka rasuulka (SCW):

Macnaha xadiiska waxaa weeye:

“Qofkii dhinta isagoo soon lagu leeyahay waxaa ka soomi weligiis.” Waa mutafaq (xadiis laysku raacsan yahay).

Ama wuxuu ka quudin – halka soonka – miskiin, siinna quud dhan kiilo iyo bar cuntada dalkaa qaalibka ka ah, sida bariiska, galleyda, iwm.

Waxaana qofkaa laga gudi soonkaa, ama cid la quudin si looga gudo hadduu qofkaa soonkaa lagu lahaa dhinto isagoo karay inuu iska gudo, waqti uu iska gudayna heystay…

Tusaale ahaan qof baa wuxuu nidir ku galay hadduu wiil u dhasho, ama shaqo helo, ama imtixaan ku baaso inuu Ilaahay darti seddex cisho u soomo, hadday u hirgasho wuxuu Ilaahay ka baryey, soonkaa nidirka ah baa ku waajibay kaddib buu qofka wuxuu ku tashaday inuu iska gudaa, saa wuu geeriyooday intuusan iska gudin, markaa waxaa ka gudi xigtadiis oo waa ay ka soomi. maalmahaa lagu lahaa, ama maalin kastoo soon lagu lahaa ah cid miskiin ah ka quudin…

Mana ay bannaana inuu qofka soon Ramadaan ah ee lagu lahaa dib u dhigto – isagoo kara inuu iska gudo – oo uu Ramadaankii kale ku soo galo, sida qof dumar oo caadadii ay ku dhacday, sidaana maalmo soon Ramadaan lagu yeeshay, ama qof socdaal ama xanuun la afuray sidaana soon Ramadaan ah lagu yeeshay, inuu isagoo kara, cudur daar sharci ah aan heysan inuu Ramadaan kii kale ku soo galo.

Qofkii uu ku soo galana, waxaa ku waajibi inuu qalleeyo kolkay bisha Ramadaan dhammaato, wuxuuna is raacin inuu qalleeyo soonkaa lagu yeeshay ee uu cudur la’aan dib u dhigay illaa uu kii kale ku soo galay iyo quudin miskiin inta maalmood ee soon lagu leeyahay, quudinta miskiinkana waa kafaarada soonka uu dib dhigtay. Dadka socotada ahna waa labo qaybood:

Qaybta hore: Qof u jeeddada safarkiisa ay ka dambeyso inuu cudur daar afurid helo, kaana uma bannaana afurka, waayo Ilaah looma xeeledeysan karo, sidaana qofku cudur daar kuma leh.

Qaybta labaad: Qofaan safarkiisa ugalajeedin inuu cudur daar ku helo kaana seddex xaaladood buu mid yahay:

XAALADDA 1AAD: Inuu soonku dhib ku yahay, waxyeelleyna, markaana waa xaaraan inuu soomaa, waayo nebi Maxamed (NNDHA) wuu soomanaa kolkay duullimaadkii furitaanka u socdeen, markaa baa waxaa soo gaaray inuu dadku soonkii ku adkaaday, dhibna ku yahay, ayna dhowrayaan wuxuu rasuulku falo, markaa ayuu wuxuu dalbay nebi Maxamed -NNDHA- koob biyo ah casarkii kaddib, cabbayna dadkoo eegaya.

Markaa kaddib baa waxaa loo sheegay inay dadku qaar weli sooman yihiin, markaa buu wuxuu yiri:

“Kuwaa waa caasiyiinta -kuwaa waa caasiyiinta.”

Waxaa soo wariyey Muslim.

Naska xadiiska oo carabi ahina waa sidan:

 

XAALADDA 2AAD: Inuu soonku dhibayo dhib aan weyneyn, markaana uma habboona soonka, waayo fasaxii Ilaahay siiyey buu ka tagay, naftiisii aheyd inuu dhaqaaleeyana dhib u geystay.

XAALADDA 3AAD: Inuusan soonku dhib ku aheyn, markaana wuxuu yeeli sida u roon oo ay naftu rabto, oo hadduu doono wuu soomi, hadduu doonana afuri, tixraac qawlka sarreeye Ilaahay:

Oo macnaheedu yahay:

“Wuxuu Ilaah dooni sida idiin fudud ee idiin habboon oo idinla dooni mahayo dhibaato.”

Hadday qofku u siman yihiin inuu soomo ama afuro, waxaa habboon inuu soomaa, siduu falayba rasuulkii Ilaahay (SCW) kuna soo aroodhay Saxiixul Muslimka: Waxaa Abii Al-Dardaa Ilaah ha ka raalli noqdee laga soo wariyey inuu yiri:

“Waxaynu la socdaalnay nebi Maxamed -NNDHA- bil Ramadaan, cadceedduna aad u kululeyd, heer rag innaga mid ah madaxa sacabbadooda saarteen kuleylka jira awgeed. Waxaana innaga soomanaa oo keliya rasuulkaa Ilaahay (SCW) iyo Cabdullaahi Bin Rawaaxa – Ilaahay ha ka raalli noqdee.”

 

CUTUBKA AFRAAD: WAXYAABAHA SOONKA BURIYA, QOFKANA AFURIN

Waxyaabaha soonka buriya waa toddoba:

MIDDA KOOWAAD: Ninka oo xaaskiisa u taga maalinnimada, waana ninka oo laboodkiisa geliya dheddigoodka xaaskiisa.

Qofka soomanna hadduu qofka dumarka ahi ugu tago sidaynu soo xusnay, soonkiisu wuu buri, hadday isu tagiddaana dhacdo maalin Ramadaan ah, soonkuna waajib ku ahaa, markaa waxaa ku waajib noqon kafaaro gud adag foolxumada ficilkiisa awgeed, oo ah inuu qoor furo – xureeyo addoon muslim ah, hadduusan awoodin, ama waayo qoor uu furo, waa inuu soomaa laba bilood oo isdaba joog ah, hadduusan inuu soomaa awoodin, markaa wuxuu quudin halkii soonka lixdan miskiin, tixraac xadiiskan rasuulka (SCW):

Hadduusanse soonku waajib ku aheyn, sida qof musaafir ahoo xaaskiisa u taga, ama xanuunsan, wuu qalleyn soonkaa, kafaara gudna lagama doonayo.

MIDDA LABAAD: Qofka oo ay mino – biyo shahwo ah – kaga timaaddo dhunkasho ama gaadda saar iwm, hadduuse qofka xaaskiisa dhunkado, waxnana ka iman, wax lagu leeyahay ma jiraan, waxbana kuma jabnaa sidaa, gaar ahaan hadduu qofka is hubo, iskana adag yahay, tixraac qowlka Caa’isha – Ilaahay ha ka raalli noqdee:

 

MIDDA SEDDEXAAD: CABIDDA AMA CUNITAANKA. Wuxuu soonka kaga jabi hadday qofka calooshiisa gaarto, halkuu doono ha ka qaatee – afka ama sanka – noocay doontana ha ahaato cuntadaa ama cabitaankaa, mana bannaana inuu qofku cabbo ee uu neef qaato uunka ka baxa uunsiga iwm, waayo waxay gaari calooshiisa.

MIDDA AFRAAD: Wax kasta ee soo gali kara macnaha cunitaanka iyo cabidda sida cirbadaha nafaqo sidka ah ee uu qofku kaga maarmayo cuntada iyo cabitaanka. Cirbidahase aan nafaqo sidka aheyn laguma afurayo.

MIDDA SHANAAD: Qofkoo is dhiig bixiya, dhiig bixin jirkiisa saameyn, dhiig bixinta yarse sida baaritaan qofka lagu sameyn iwm, qofka kuma afurayo, waayo dhibaato ma leh.

MIDDA LIXAAD: Qofkoo kas isu matajiyo, sida qofkoo iska soo saaro cunto iyo cabitaan uu qaatay hadduuse matagga iski kaaga yimaado soonkii wuu kuu jiraa, tixraac xadiiskan rasuulka (SCW):

 

MIDDA TODDOBAAD: Caadada dumarka – dhiigga xaydka – iyo nafaasada oo ah dhiigga la socda dhalmada ee dumarka ka yimaada,

 

Arrimahaa soonka burin aynu soo xusnay waxay qofka soonka ka jabin, qofkana afurin haddii seddex shuruud la helo.

SHARDIGA KOOWAAD: Inuu qofka xukunkeeda ogyahay iyo waqtigaba.

SHARDIGA LABAAD: Inuu xusuusan yahay.

SHARDIGA SEDDEXAAD: Inuu isaga doorto, oo aan qasab iyo sandulle looga dhigin.

Hadduu – masalan – qofka dhiig xun iska saaro ee uu istoobo isagoo qaba, maleynna inaan istoobidda lagu afurin, soonkiisa wuu u jiraa oo waa saxiix, waayo wuu moogaa xukunka, wuxuuna yiri sarreeye Ilaahay:

Macnaha aayadda waxaa weeye:

“Dembi idin kama soo gaarayo waxii gef ah ee aydun ogeyn, ula kac la’aannaa idiinkaga dhacay, wuxuuse dembi idinka soo gaari waxaad kas iyo ogaal ugu dhacdeen.”

Wuxuu sidoo kale yiri sarreeye Ilaahay:

Oo macnaheedu yahay:

“Rabbow ha noo qaadin oo dembi ha nooga qorin waxaynu illowno ama gef ahaan inooga dhaca.” Sidaa waxaa ka baryey Ilaahay Mu’miniita.

Markaa buu wuxuu yiri Ilaahay:

Oo macnaheedu yahay:

“Yeelay!”

Waxaana ku soo arooray Saxiixeynka:

“Waxaa laga wariyey Caddiyi Bin Xaatim – Ilaahay ha ka raalli noqdee – inuu labo kheyd, mid madow yahay, midna cad yahay barkinta hoosteeda gashtay, markaa buu eegaa habeenkii, saa wax uma muuqdaan isagoo sidaa moodi macnaha qowlka sarreeye Ilaahay.

Kolkuu u sheegay arrintaa uu sameeyey rasuulkii Ilaahay (SCW).

Wuxuu yiri rasuulkii Ilaahay (SCW):

“Waxaa loola jeedaa caddowga maalinta iyo madowga habeenka.”

Mana amrin inuu soonkiisa ku celiyo.

Hadduu qofkana wax cuno isagoo is leh weli waagu ma baryin ama gabbalkii wuu dhacay, kaddib uu ogaado inay arrintu aheyn siduu mooday, soonkiisa waa saxiix oo wuu u jiraa, celisna ma leh, waayo waqtiguu moogaa…

Waxaa ku soo arooray Saxiixul Bukhaariga.

Waxaa laga soo wariyey Asmaa Binti Abii Bakar – Ilaahay ha ka raalli noqdee – inay tiri: “Waxaynu afurnay cahdigii Nebiga (NNDHA) maalin ay cirka daruur qarisay, markaa kaddib ayey cadceeddu soo baxday.”

Waxay moodayeen inay dhacday, kaddib arrintu ma ayan noqon sida ay moodeen, oo qorraxdii baa soo baxday inkastoy afureen…

Hadduu qallahu waajib yahay wuu u caddeyn lahaa rasuulkii Ilaahay (SCW) waayo Ilaahay diin dhan buu ku soo diray nebigiisii (SCW).

Hadduu arrintaa rasuulka (SCW) caddeeyeyna, wayna soo gaarsiin lahaayeen saxaabadii – Ilaahay dhammaantood ha ka wada raalli noqdee – waayo Ilaah baa kafaala qaaday dhowrista iyo xafidaadda diinta, maadaama ayanna na soo gaarsiin asxaabtii, waxaynu halkaa ka ogaan inuusan nebigu (NNDHA) amrin, kolba hadduusan amrinna, waxaynu ogaan inayan waajib aheyn in la qalleeyo…

Ha yeeshee waa inuusan qofka is dhigan, barashada axkaamta diinta ku dadaalo, rugaha iyo masaajidda ay diinta ka socdaan ku xirnaado, ehludiinka daacadda ah la xiriiro, oo ayan aheyn xukunkaa uu moog yahay dhayalsasho awaamirta Ilaahay iyo ka jiifsasho barashada waxa uu faray iyo waxa uu ka joog yiri… waxaa sidoo kale qofka la dooni inuu hubsado waxa uusan yaqiintooda heyn.

Qofkuna hadduu intuu is illoobo wax cuno ama cabbo, kama jabayo soonkii oo halkiisii buu ka wadi, mana afurayo, tixraac qowlka nebi Maxamed (NNDHA):

Macnaha xadiiska waxaa weeye:

“Qofkii intuu is illoobo – isagoo sooman – waxcuna, ama wax cabba, soonkiis ha dhammeystirto, Ilaah baa quudiyey e.” Xadiis mutafaq ah.

Qofkuna haddii lagu qasbo oo sandulle looga dhigo inuu wax cuno ama cabbo, ama isagoo luqluqan ay biyo calooshiis u fakadaan -isagoon u qasdin – ama intuu riyooda maalin isagoo sooman shahwo mino baxo, soonkii kama jabayo, oo wuu u jiraa, waayo arrimahaa oo idil kas cad uma uusan falin, mana aha arrimo uu ku tala galay isaguna door biday.

Cadayashadana soonku kuma jabo, balse waa sunno, qofkuna waqtiguu doonuu cadaysan karaa ama billowga maalinta ama dhammaadkeeda, ama dhexdeeda. Waxaana u bannaan qofka sooman inuu falo wax ka fududeeya dhibka, harraadka, iyo kuleylka soonka, sida isagoo biyo isku qaboojiya iwm, waayo nebi Maxamed (NNDHA) wuxuu madaxa isaga shubi jiray biyo isagoo sooman, harraadka uu dareemi awgeed, Ibnu Cumarna – Ilaah ha ka wada raalli noqdee isaga iyo aabbihiba – intuu duub maro ah qoysto ayuu is marin jiray isagoo sooman.

Haweeneyda xaamilada ah iyo midda ilmaha nuujinna waxaa u bannaan inay afuraan hadday ilmahooda u baqaan – ilmaha uurka ku jira, ama ilmaha ay markaa nuujin – waxaana ku waajib ah inay qalleeyaan, miskiinna quudiyaan iyagoo labadaba isku dari. Tusaale ahaan haweeney baa iyadoo ilmo ay nuujin u baqi afurtay bishii Ramadaan oo dhan, markaa waxaa ku waajib noqon inay qalleyso, soddon miskiinna oo ah tirada maalmahay afurtay quudiso, habka quudinta waa iyadoo 30 miskiin u qaybiso bariis ama galley iwm – hadba quudka dalkaa qaalibka ka ah – qaddar dhan kiilo iyo bar ama ay isugu yeerto iyadoo ninkeeda ama ragga ka mas’uulka ah la qorsheyn 30 miskiin qado ama casho siiso, ama waxaa u bannaan inay qiimo dhan qado 30 qof ay u dhiibto qof ehlu diin daacad ah ee qayb weyn kaga jira fidinta diinka Ilaahay si ay nolosha dadka u hagaagto, amni iyo ammaanna loogu noolaado, qofkaas oo gaarsiin lacagtaa, uguna iibin raashin reero diinta ku wanaagsan ee sabool ah, tusaale ahaan hadday qado meel dhexaad ah tahay qiimaheed Shilin Soomaali 300, qofka dumarka ahina ay afurtay bil soon oo dhan iyadoo ilma ay nuujin ama uurka ku jira u baqi, way qalleyn lacag dhan Shilin Soomaali 9000 u dhiibi daaci diinta ku wanaagsan si uu masaakiinta uga quudiyo.

Haddayse haweenta xaamilada ah ama ilmaha nuujin ay naf ahaantooda u baqaan, markaa way afuri dibna ka qalleyn, ha yeeshee quudin lagama doonayo, inay qallahaa raaciyaan, oo waa ay qalleyn oo keliya.

Waxaa sidoo kale u bannaan qofka sooman inuu candhuuftiisa liqo, inuu ilig ama gows iska rido – inkastoo ay habboon tahay inuu habeenka u dib dhigto, hadduusan xanuun badan ku heyn.

Waxaa sidoo kale u bannaan labada isqaba hadday habeennimada Ramadaan isu tagaan, ama qofkii isku junuubo inuu meyrashada subaxnimada u dib dhigtaan.

Arrimahaana waa yusriga iyo dhib la’aanta Ilaah ina la dooni.

Bisha Ramadaanna waxaa ku jidho habeen, habeennada sannadka ugu kheyr badan, oo ah habeenka Laylatul Qaddarka, habeenkaa oo ajar iyo lagu heli deeq Ilaah ka badan tuu qofku ku heli lahaa kun bilood oo ah 83 sano iyo afar bilood.

Wuxuu yiri rasuulkii Ilaahay (SCW):

Macnaha xadiiskana waxaa weeye: “Qofkii habeenka Leylatul Qadarka salaad habeenkii u kaca qiyaamu leylka – taraawiixda – isagoo Ilaahay darti ugu kici kagana abaal dooni, Ilaahay wuxuu u dhaafaa waxii horay dembi uga dhacay.”

Qofka dumarka ahina waxaa wanaagsan inay gurigeeda ku tukato taraawiixda iyo qiyaamu leylkoo dhan, hadduu masaajidka ka fog yahay, gaadiid gaar ahna ayan heysan, ama jidku aamin aheyn.

Waxaana qofka muslimka ah laga dooni inuu si gaar ah u daneeyo, una eegto habeenka Leylatul Qadarka, kuna duceysto ducadii uu rasuulka (SCW) baray Caa’isha – Ilaahay ha ka raalli noqdee – ee ahayd:

Oo macnaheedu yahay:

“Allow waxaad tahay cafiye cafinta jecel ee i cafi.” Waxaa soo wariyey Al-Tirmidi, saxayna.

Qofkuna ha ka eego Leylatul Qadarka, oo si gaar ha u daneeyo tobanka cishee ugu dambeeya ee Ramadaan, gaar ahaan habeennada 21aad, 23aad, 25aad, 27aad iyo 29aadka. Habeenka Leylatul Qadarkana waxaa soo daaddaga malaa’igta oo dhammi, iyagoo salaamaya, nabadgalyana u fidin Mu’miniinta tan iyo intay qorraxda habeenkaa – Leylatul Qadarka soo bixi – iyadoo aan fallaaro laheyn, sida ku soo aroodhay xadiiskan:

Maxaa ka wanaagsan habeenkaa aan kululeyn, qaboobeynna, ee ku dadaal walaalkay Muslimka ahow badsashada kheyrka iyo inaad Ilaahay ugu dhowaato samafallo kala duwan.

Waxaana wanaagsan inaad fariisato ood ku ictikaafto masjid jaamic ah adigoo Ilaahay kaga abaal dooni, ictikaafkaa oo aad ka billaabi gabbal dhaca habeenka ay bisha Ramadaan tahay 21ka kuna dhammeyn gabbal dhaca maalinta ugu dambeysa ee Ramadaanka, tixraac xadiiskan Caa’isha – Ilaahay ha ka raalli noqdee – ay rasuulka (SCW) ka soo warisay:

Waxaana aan ugu yeeri walaalahay Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan inay bisha Soon ay ka faa’iideystaan, xumo oo idil ka fogaadaan, bishaa iyo wixii ka dambeeyaba daacadda Ilaahay lasumaan, ku dadaalaan, addooma dhab ah Eebbe u noqdaan, dadkuna isu naseexeeyaan wanaagga lays faro, xumaha layska reebo, rugaha ay casharrada diiniga ah ka socdaan laga wada qayb qaato, cilmiga laga soo bartana la dhaqan galiyo.

Qof kastana bishaa waxaan kheyr aheyn Ilaahay uusan ku arag, samaha loo kala tartamo.

Soonkana sidaynu horay u soo xusnay fadli weyn buu leeyahay iyo deeq Allaah – faradkiisa iyo naafiladiisaba. Waxaa laga soo wariyey Sahal bin Sacad in nebiga (NNDHA) yiri:

Macnaha xadiiskana waxaa weeye:

“Waxay jannadu leedahay irrid la yiraahdo al-Rayaan, waxaana la oran aakhirada aaway ehlu-soomkii? Kolkuu galo qofka ugu dambeeya ee iyaga ah, ayaa irridkaa la xiri.”

Waxaa soo wariyey al-Bukhaari iyo Muslim.

 

 

Siduu qofkana uga mid noqdo kuwaa ha ku dadaalo soonka faradka ah ee bisha Ramaadaan, iyo soonka sunnada ah ee uu rasuulka ummaddiisa ku boorriyey, waxaana ka mid ah inuu qofka bisha Soonfur (Shawaal) lix cisho ka soomo, shardina ma aha inuu qofka is xijiyo:

Wuxuu yiri rasuulkii Ilaahay (SCW):

Macnaha xadiiskana waxaa weeye:

“Qofkii bisha Ramadaan sooma, dabadeedna raaciya lix maalmood ee uu ka soomo bisha Soonfur, wuxuu la mid yahay qof cimrigiisii oo idil soomay.” Waxaa soo wariyey Muslim.

Waxayna u noqon sida qof cimrigoo idil soomay, waayo waxay Rabbi iyo rasuulki inoo sheegeen in qofka halkii wanaag uu la yimaado toban looga dhigi, sidaa awgeed hadduu qofka soo soomay bil Ramadaan oo dhan waa 30 cisho, kaddibna hadduu lix maalmood ka soomo Soonfur, isugeyntooda waa 36 cisho, markaa buu Ilaahay siduu ballan qaadan 36daa maalmood ka soo qaadi ajar ahaan 360 maalmood, waayo halkii maalin qofka Ilaahay toban maalmood buu uga qori xagga ajarka.

Sidaa buu qofka hadduu soomo bisha Ramadaan, dabadeed raaciyo lix maalmood ee uu bisha soonfur ka soomo uu ula mid yahay sida qof cimrigi oo idil soomanaa.

Waxaa kaloo ka mid ah soonka sunnada ah ee uu rasuulka innagu boorriyey, kheyr badanina uu ku jiro soonka maalmaha Isniinta iyo Khamiista, waayo waa labo maalmood ay ka war bixiyaan malaa’igaha dadka, ee qofka acmaashiisa Ilaah loo bandhigo waxaana wanaagsan in qofka laga warbixiyo isagoo kheyrka soonka ku jiro ee sooman, rasuulkana (SCW) wuu ku dadaali jiray soomidda maalmahaa, waana laba maalmood soomiddoodu ajar         badan lagu helo, tixraac qowlka rasuulka (SCW):

Waxaa kaloo ka mid ah soonka sunnada ah ee rasuulka innagu booriyey, kulana dardaarmay asxaabtiisa inuu qofka bil kasta ka soomaa seddex maalmood, waxaana wanaagsan inuu ku beegaa qofka maalmaha cadadka ah 13ka, 14 ka iyo 15ka ee bisha Islaamka. Tixraac qowlka rasuulka (SCW):

Seddexdaa maalmood qofkii bil walba ka soomaanaa, waa sida qof bishii dhammaanteed wada soomay waayo halkii xasano qofka Ilaahay toban buu uga dhigaa, sidaa awgeed bay seddexdii maalmood soddon uga dhigan yihiin xagga ajarka.

Waxaa kaloo ka mid ah soonka sunnada ah ee qofka u wanaagsan inuu soomaa soonka Caashuuraa ee ah sagaalaadka iyo tobanaadka bisha Muxarram ee ah bisha Xajka xigta, waana markii uu Ilaahay halaagay Fircoon, badbaadiyeyna Muuse – nabad dushiisa ha ahaatee, rasuulkana (SCW) wuu soomi jiray, ummaddiisana ku boorriyey inay soomaan Caashuurada. Tixraac qowlkiisa (SCW):

Waxaa kaloo wanaagsan in la soomaa maalinta Carafada la taagan yahay oo ah maalinta ka horreysa Iidda Carafo, taana waa qofka aan xaj ku jirin ee aan markaa xajineyn.

Soonka waajibka ahna waa soonka nidirka ah iyo kafaara gudka.

Soonka reebban waa soonka uu qofka xajka ku jiro soomo maalinta Carafada, iyo inaad Jimco ama Sabti soon ku gaar yeesho, ha yeeshee dhibaato ma leh hadduu Jimco kugu yimaado adigoo soon waday, sida qofka sooma bishii seddex maalin sunno ah 13ka, 14ka iyo 15ka, hadday ku soo hagaagaan Khamiis, Jimce iyo Sabti, markaa dhibaato ma leh.

Sidoo kale waxaa ka mid ah soonka reebban soonka maalinta aan la hubin inay soon tahay – inay Ramadaan tahay iyo in kale.

Soonka sunnada ahna niyeysi hore shardi uma aha, oo uma baahna qofkoo aan ku seexan habeenkii inuu soomaa ayuu wuxuu go’aansan karaa subaxnimada intuusan wax cunin inuu soomaa.

Soonka faradka ahise – Ramadaanka – waa shardi qofka inuu habeennimada niyeysto. Tixraac qowlka rasuulka (SCW):

Macnaha xadiiskana waxaa weeye:

“Qofkaan inuu soomaa – soonka faradka – go’aansan, niyeysanna aroornimada ka hor, soomid kama ansaxi.” Waxaa soo wariyey Axmed iyo ehlu-Sunanka, waxaana saxay Ibn Khuzeymah.

Niyeysiga soonku ma aha in kor lagu dhawaaqo oo la yiraahdo:

‘Nawaytu farada soomi can adaa’ in.’

Ama iimaamka ku dhawaaqo ma’muumiintana ka daba jiibiyaan, waayo sidaa nebiga iyo asxaabtiisaba kama ayan sugnaan, waana bidca diinta ku cusub, habow leh, ee dadku ha iska daayeen.

Sida nebiga iyo asxaabtiisa ka sugnaatayna waa inuu qof kasta gaarki qalbiga ka niyeysto, ku tala galo habeennimada inuu soomaa isagoo ugu diyaar noqon soonkaa suxuur iwm.

Waxaa sidoo kale bidca ah ducada layska daba akhrin ee kor loogu dhawaaqo, qofkana waxaa habboon inuu iskii u duceysto, afkiisa hooyo ku duceysto hadduusan Carabiga aqoon, waqtiyada ducada la aqbalana si gaar u eegto, sida kolkuu sujuudi, labada aadaan dhexdooda – aaddanka hore iyo aqimmada, atixiyaadka dambe kaddib iyo intuusan qofka salaamo noqsan, saacadda Jimcaha ku jidha iwm.

Waxayna sunnada ku jidhaa ee habboon in afurka la dadejiyo, oo kolka Maqribka la addimo toban daqiiqo fursad ah dadka la siiyo ay ku yari afuraan, dabadeedna masjidka la soo aado si jamaacad ahaan loogu tukado. Wuxuu yiri rasuulkii Ilaahay (SCW):

Macnaha xadiiskana waxaa weeye:

“Dadka weli kheyr bay ku sugan yihiin intay afurka dadejinayaan.” Waxaa soo wariyey al-Bukhaari iyo Muslim.

Qofkuna waxaa wanaagsan hadduu awoodo inuu cumreysto bisha Ramadaan, waayo cumrada Ramadaanka la gutaa waxay leedahay ajar la mid taa xajka. Tixraac qowlka rasuulka (SCW):

 

Ogaadaana, walaalayaal, inayan bannaaneyn sidaynu soo sheegnayba in hadduu qofka rukhsad uu Ilaah siiyey awgeed la afuro sida xanuun, socdaal, haween caadadii awgeed la afurtay ama nafaasad, qallahaa ku waajibay ay dib u dhigtaan illaa uu Ramadaankii kale ku soo galo.

Qofkii sidaa yeelana ee dhayalsaday inuu iska gudo soonkaa lagu yeeshay – isagoo aan cudur daar laheyn – waxaa ku waajibi inuu qalleeyo, islamarkaana miskiin quudiyo, tusaale ahaan qofbaa 21 maalmood soon farad ah lagu leeyahay, hadduu Ramadaankii kale qofku ku soo galo isagoon iska gudin, waa inuu kolkuu Ramadaankaa ku soo galay dhammaado, ciiddana laga baxo billaabo inuu iska gudaa soonkaa – 21kaa maalmood – lagu lahaa, isla markaana quudiyo 21 miskiin oo ah kafaara gudka soonkaa deynka ku ahaa ee uu dib dhigtay cudur daar la’aan, wuxuu qofka wax quudin yeeli karaa dhowr siyaabood, sida:

A – Inuu 21 qof oo miskiin ah wadajir qado ama casho u siiyo, waana inay dadkaa u quudin diinta ku toosan yihiin. Tixraac xadiiska:

Macnaha xadiiskana waxaa weeye:

“Saaxiib ha ka dhigan cidaan mu’min aheyn, raashinkaagana ha siin cidaan Ilaahay ka baqin.”

B – Inuu qof ehlu-diin dhab ah, dadkana diinta ugu yeera, wax soo saar diineed leh, sida qof duruus xoog leh akhriya, cajalado dadka diinta bara duubay ama buugag Islaamka u adeegi qora u dhiibo lacag raashin u goyso 21 qof, tusaale ahaan hadday qado meel dhexaad tahay 300 Shilin Soomaali.

Waxaa 300 lagu dhufan 21 qof, 300 x 21 = waa Shilin Soomaali 6,300

Si uu qofkaa daaciga ah raashin ugu iibiyo qoysas diinta ku wanaagsan ee sabool ah.

C – Inuu qofkaa min kiilo iyo bar raashinka dalkaa ka cunnada ah sida bariis, galley iwm u qaybiyo 21 miskiin.

D – Inuu qado siiyo ama casho qof miskiin ah 21 cisho. Qofka soomanna ha badsado akhriska Qur’aanka, inuu sadaqo la baxaa, iyo samahoo dhan.

Wuxuu yiri rasuulkii Ilaahay (SCW):

 

Macnaha xadiiskana waxaa weeye:- “Qofkii afuriya qof soomanaa, wuxuu Ilaahay u qoraa ajarka ciddaa soomaneyd oo kale, hayeeshee waxba kama nuqsaamayaan ajarka ciddii soomaneyd.” Waxaa soo wariyey al-Tirmidi, wuxuu yiri waa xadiis sanad wanaagsan, saxiix ah.

 

 

Qofkuna sidoo kale ha badsado tasbiixda, sida inuu yiraahdo:

Oo macnaheedu yahay: “Ilaahow adigaa nuqsaan ka maran, mahadina ay kuu sugnaatay.”

Iyo qowlka:

Oo macnaheedu yahay “Ilaah baa weyn.”

Iyo qowlka:-

 

Oo macnaheedu yahay: “Ilaah mooyee ilaah kale ma jiro cid wax la wadaagtana ma ay jiraan mahad iyo lahaanshoo idil isagay u sugnaatay, isagaa wax dila, waxna nooleeya, wax walibana isagaa kara.”

Sidoo kale qofka ha badsado dembi dhaaf weydiisiga, sida inuu yiraahdo:

Oo    macnaheedu yahay: “Ilaahow dembi dhaaf baan kuweydiisan kuuna toobad keeni.”

Sidoo kale waxaad badsan ku salliga nebiga (SCW). Waayo xuskaa Ilaahay waa beer aad ku abuurin jannada.

Wuxuu yiri rasuulkii Ilaahay (SCW):

Macnaha xadiiskana waxaa weeye: “Inaan iraahdo ‘Subxaanallaah’, iyo ‘Alxamdu-lillaah’, iyo ‘Laa ilaaha illal Laah’, iyo ‘Allaahu akbar’ baan ka jeclahay kana doorsan lahaa waxa kastoo adduunka jira, cadceeddana u soo baxday.”

Qofkuna ha u asxaan falo bishaa iyo qeyrkeedba agoonta iyo masaakiinta, waayo rasuulka Ilaahay wuxuu ahaa kan ugu deeqsisan dadka, wuxuuna aad u deeq badnaa bisha Ramadaan, waxaana aad u wanaagsan in sakada lala baxaa Ramadaan kasta. Qofkuna ha ku dadaalo inuu salaadda subax kaddib masjidka fadhiyo, Ilaahay ku xuso, Qur’aanka walaalladi Islaamka kula akhristo tan iyo intay cadceedda ka soo bixi, kaddibna laba rakcadood tukado.

Qofkuna kolkuu tukado, naftiisa xuska Ilaahay ku daahir yeelo iyo gudashada faraa’idda Ilaah u xil saaray, ama kolkuu isagoo soomanaa afuro yuusan wasakh iyo qurun dhex dabaalin, oo ma aha inay indhahiisu noqdaan indho sheydaan, oo yuusan ku eegin dumarka uu gayo, guurna aan ka dhaxeyn, iyo waxyaabaha xun oo dhan, carrabkiisuna yuusan noqon carrab sheydaan, carrab dadka lagu xanto, lagu ximiyo, carrab dan la’aan u hadlo, oo dadka nolosheeda iyo arrimahooda gaarka ah ka sheekeeya – dumarkaba ha u bateen, inkastoo rag badan ay arrinta dumarka kala mid noqdeen, oy hadda ku biireen.

Qofkuna yeynan dhagahiisu noqon dhago sheydaan, dhago wax xun lagu dhageysto sida xanta, xinta, wararka aan qofka khuseyn oo aan isaga la xiriirin sida inta is furtay, inta is qabatay, inta isku carootay, inta is colaadisay iwm.

Wuxuuna yiri rasuulka ilaahay (SCW):

Macnaha xadiiskuna waxaa weeye: “Wuxuu qofka wanaagga Islaamkiisu ku jiraa inuu ka tago, danna u gelin waxaan khuseyn.”

Yeynan noqonna dhagaha qofka dhago sheydaan, dhago heesahaa iyo fanka qurmoonka dhagaysta. Qofkana yuusan yeelan af iyo addin sheydaan dadka uu ku waxyeelleeyo, addimo uu caweysyada tumashada uu ku tago, ama af uu dadka ku af lagaaddeeyo.

Qof kastana oo ‘Muslim baan ahay’ leh ha iska jira oo ha ka fogaado inuu wax sawirro ama isa sawirro, sawir aan dan weyn keenin sida sawir baasaboor, teesaro leesan iwm, iyo inuu qofku ku dhaarto cidaan Ilaahay aheyn, waayo ku dhaarashada cidaan Ilaahay aheyn waxay ka mid tahay shirkiga yar qofka geyn oo ku ridi shirkiga weyn oo gaalnimo ah, qofkii ku dhaca, isagoon ka toobad keeninna dhintaa uu naar ku waari daa’in iyo abad.

Sidoo kale waa inuu qofka iska jiraa kana fogaadaa isu ekeysiinta gaalada, cabitaanka sigaarka, istustuska, doodaha baadilka ah, xiiridda garka, cunitaanka ribada iyo ka shaqeynta bunuugta ribada bixiya, ama qaata, caymis gelinta nolosha iyo hantida iyo markhaati beenaadka, aflagaaddada, macaasidoo dhan qowl iyo ficilba, cuquuqidda waalidka, goynta riximka, xasadka, gacaltooyada gaalada, daryeel la’aanta salaadda iwm. Arrimahaa oo giddi xaaraan ah, sheydaanka innagu boorrin, Rabbi iyo rasuulkina inoogu digeen si ay noloshayada adduunka ugu hagaagto, aakhiradana samaan Eebbe u hantinno ee Ilaah mahad ha innaga gaaddo, gallada Islaamka, galladda salaadda, gallada soonka iyo galladahiisa badan awgeed.

 

 

Cutubka Shanaad: Salaadda Taraawiixda

Taraawiixdu waa kicidda habeennada bisha Ramadaan jamaaca ahaan salaad loogo kaco, wuxuu waqtigeeda ka billaaban salaadda cishaha kaddib illaa waa beriga. Nebiguna (NNDHA) ummada wuu ku boorriyey Qiyaamka Ramadaanka, oo wuxuu yiri:

Macnaha xadiiska waxaa weeye: “Qofkii bisha Ramadaan u kaca habeenkii salaad, si iimaannimo ku dheehan tahay, isagoo Ilaah kaga ajar iyo abaal dooni, wuxuu Ilaahay ka dhaafaa dembiyadiisa hore»

Waxaana ku soo arooray Saxiixul Bukhaariga:

“Waxaa laga soo xigtay Caa’isha – Ilaah ha ka raalli noqdee – in nebigu -NNDHA- uu habeen masjidka qiyaamul leyl ku tukanayey, markaa bay dadkii qaar la tukadeen, habeenkii xigay ayuu haddana u kacay salaaddii, markaa bay dadkii soo bateen habeenkii saddexaad iyo afraadna ururkii u batay, ha yeeshee kama uusan soo qayb gelin nebiga, kolkuu waagu baryay ayuu u sheegay dadkii oo wuxuu ku yiri: ‘Waxaan arkay sidaad yeesheen, waxaana iga reebay inaan idiin soo baxo baqdin aan ka baqay in laydun ku farad yeelo -waxay aheyd Ramadaan.” Sunnada rasuulkana waxay ku jidhaa in Qiyaamu Leylka Bisha Ramadaan – Taraawiixda – lagu soo koobo 11 kow iyo toban rikcadood – waayo Caa’isha – Ilaah ha ka raalli noqdee – ayaa la weydiiyey: “Sidee bay aheyd salaadda nebiga NNDHA Qiyaamul Leylka?”

Markaa bay waxay tiri: “Kama badin jirin Ramadaanka iyo qeyrkiba kow iyo toban rikcadood.” Xadiis mutafaq ah.

Waxaana Muwadda’a ku soo arooray oo laga soo xigtay Maxamed bin Yuusuf – oo kalsooni ah – inuu ka soo xigtay al-Saa’ib bin Yaziid -oo saxaabi ah – in Cumar bin Khaddaab – Ilaah ha ka raalli noqdee -amray Ubaya bin Kacab iyo      Tamiima ad-Daari in Qiyaamu Leylka Ramadaanka ay dadka tujiyaan kow iyo toban rikcadood…

Haddii laga badiyana 11 rikcadood waxba kuma jabno, waayo nebigu ayaa la weydiiyey Qiyaamu Leylka wuxuu yiri:

“Waa laba laba rikcadood, hadduuse midkiin ka baqo waaberiga, wuxuu tukan rikcad keliya ee u watarin rikcadahuu tukaday.”

Wuxuu xadiiskan ku soo arooray Saxiixeeynka. Ha yeeshee waxaa habboon in la dhowro tiradii rasuulka (SCW) oo ah 11 rikcadood, qunyar loo tukado, aan qiyaamkana iyo akhriska Qur’aanka la dadejin, xaaladda dadkana la dhowro, lana tixgeliyo.

Waxaana muslimiinta laga dooni inay ku dadaalaan oogidda iyo ka qayb galka salaadda taraawiixda, oo ayan ku dayacin hadba masjid aadistiis, waayo qofkii la billowda salaaddaa imaamka tan iyo intuu ka baxo, waxay u dhigan tahay isagoo habeenkii oo dhan salaad u taagnaa, xitaa hadduu jiifsado gurigiisa salaaddaa kaddib ee uusan habeenkii oo idil salaad u soo jeedin. Waxbana kuma jabna inay dumarka masjidka jamaacadda kula tukadaan, waase inay iyagoo dhab u xijaaban, oogadooda wada asturan tahay tin illaa cirib tagaan, wax udgoon ah haba yaraatee uusan ka soo udgeyn, kaga soo qayb galaanna salaaddaa si xishood iyo xushmad ku dheehan tahay, iskana ilaaliyaan inay waddooyinka istaagaan , ama dhex bartankeeda maraan.ama ku sheekeystaan.

Waana inuu masjidka leeyahay meel gaar ah ee daboolan dumarka loogu tala galay, mashaqana ayan kala kulmeyn imaanshada masjidka, haddayse mashaqo kala kulmi imaanshadiisa, sida inay gaari rag iyo dumar isku ciriirin, aan lagu kala xishooneyn u soo raaceyso, ama xaafad fog ay deggan tahay aan masjid dhow laheyn taraawiixda lagu tukado, ama ay saq dhexe socon – iyadoo fitnad ayan ka nabad galeyn. Hadday intaan soo xusnay mid ka mid ah jidho, ma aha inay haweenta muslimadda ahi ay taraawiixda u soo baxdo, balse waa inay gurigeeda ku tukutaa. Waxaynuna ognahay inuu sharcigu dhigay inay qofka dumarka ee muslimadda ahi ay u wanaagsan tahay inay salaadaha faradka ah qolkeeda ku tukato, taraawiixda ka sakow, sidaa awgeed ma bannaana inay taraawiixda u soo baxdo iyadoo fitnad u bandhigan, ciriiri iyo nabad galyo la’aan la kulmi.

Waxaana dumarka mu’miinta ah tusaale ugu filan Asmaa binti Abii Bakar as-Siddiiq – Ilaahay ha ka raalli noqdee – ka xishootay inay gaadiiday nebiga (SCW) iyo nafar asxaabta kamid ah ay saarnaayeen, soo fuusho iyadoo meel gaar ah loo banneeyey iyadoo daallan, gurigeeda iyo ninkeeda u soo adeegatay.

Bal ka warrama dumar Islaam sheegan gaadiid aan la kala xishooneyn, isku soo ciriirin, iyadoonan adag ayan jirin, amaba leh taraawiix baynu u soconnaa – haweenta mu’minadda dhabta ahi waa tii gurigeeda ku tukata haddii ayan si Ilaahay raalli ka yahay masjidka ku soo gaareyn.

 

Cutubka Lixaad: SAKADA

Sakadu waa farad waajib ah ee ka mid ah faraa’idda Ilaahay, ina saaray. Waana mid ka mid ah tiirarka Islaamka, uguna muhiimsan labada shahaado iyo salaadda kaddib:

Waxayna waajibnimadeeda ku caddahay oo lagu qeexay kitaabka Ilaahay ee Qur’aanka iyo Sunnada rasuulkiisii (SCW).

Qofkii inkira ee qiri diida waajibnimadeeda ee yiraahda waajib ma aha gaalow, islaamkiina sidaa kaga bax, markaana labaa la kala doorin: inuu ka toobad keeno hadalkaa ama dil baa lagu xukumi, maadaamuu riddoobay, diintiina ka noqday.

Qofkiisa mudulnimo awgeed (bakheylnimo) la bixin waayo, ama si dhan aan u gudan, ee wax ka reebta sako ku waajibtay, wuxuu ka mid noqon daalimiintaa cuquubada Ilaahay mudan iyo cadaabtiisa.

Wuxuu yiri sarreeye Ilaahay:

Macnaha aayadda waxaa weeye: “Yeynan moodin kuwaa bakheylaya, deeqda iyo galladda Eebbe siiyey, aan xaqu lagu leeyahay ka bixineyn, sida sakada iwm inay kheyr la hareen, balse waa u shar deeqdaa ay bakheyleyn, waynu ku maran doonaan ee lagu cadaabi hantidaa iyo deeqdaa ay bakheyleen maalinta qiyaamaha.”

Waxaana ku soo arooray Saxiixul Bukhaariga:

Macnaha xadiiska waxaa weeye: “Waxaa Abii Hureyrah – Ilaahay ha ka raalli noqdee – laga soo xigtay, inuu rasuulkii Ilaahay (SCW) yiri:

“Qofkii Ilaahay uu maal siiyey, aanse sako ka bixin, wuxuu Ilaahay uga suureeyaa maalkiisa ugana dhigaa maalinta qiyaamaha mas labood ah, tintii madaxiisa ay ka hoobatay, ee aan wax timo ah madaxa ku laheyn, sun badni iyo da’ weyni awgeed, dhibco madowna ku leh indhaha dushooda, intuu isku maro qofkaa muslimiinta sakada ka bakheylay, afka iyo labada dibnood ka qabto ayuu wuxuu ku oran: ‘Maalkaagii baan ahay, kaydkaad dhigatay baan ahay ee aad ka soo tagtay Sakada aadan ka bixin.’

Wuxuuna yiri sarreeye Ilaahay:-

Macnaha aayaddana waxaa weeye: “Kuwa dahabka iyo qalinka – maalka – kaydin aan sakada Ilaahay ku waajib yeelay ka bixineyn, waxaad ugu bishaareysaa cadaab xanuun badan, maalin lagu kululeenayo naarta jahannama, markaa baa foolalkooda, dhinacyadooda, dhabarradooda lagu gubi oo lagu kaawayadeen, laguna oran, ‘Waa waxaad naftiinna u dhigateen, ee bal dhadhamiya dhibka waxaydun keydineyseen.'”

Wuxuu yiri rasuulkii Ilaahay (SCW):

“Qofkii geel lahaa sako ku waajibtayna aan ka bixin inta qofkaa caloosha loo seexiyo, marna dhabarka, gacmahana loogu fidiyo dhul siman ayaa geeliisii oo orod iyo xoog badan lagu soo deyn oo ay ku dul tuman, kuna durdurin, kolkay tii u dambeysay dul marto oo ay ku tumato, baa tii ugu horreysay kusoo laaban, sidaa bayna ugu durdurin geeliisii, uguna tuman qofkaa sakada aan ka bixin, iyagoo isu daba maraya, tan iyo inta loo kala garsoori addoommada maalin qaddarkeedu yahay konton kun oo suno, maalmaha aad tirsataan oo kale ah, isagoo dhibkaa iyo cuqubadaa ku jiri, kaddib ayuu jannada ama naarta dhabbaheeda qaadi, oo uu geli midduu Ilaah ka muteystay iyadoo loo eegi siduu camalkiisa kale ahaa.

Qofkii ari lahaana, sako ku waajibtay aan ka bixin, inta qofkaa caloosha loo seexiyo, marna dhabarka, gacmahana loogu fidiyo dhul siman ayaa arigiisii oo xoog iyo hilib badan lagu soo deyn oo ay ku dul durdurin kuna tuman iyagoo qoobabkooda la dhacaya, geesahoodana ku hirdinaya, kumana jiri doonaan ari geesa qalloocan, ama aan geesa laheyn, kolkay tii u dambeysay ay ku tumato iyadoo ku dili qoobabkeeda, kuna hirdin geesaheeda, baa tii ugu horreysay ku soo laaban, sidaa buuna cadaabtaa iyo dhibkaa ugu jiri tan iyo inta loo kala garsoori addoomada, maalin qaddarkeedu yahay kanton kun oo sano maalmaha aad tirsataan oo kale ah, kaddib ayuu jannada ama naarta dhabbaheeda qaadi oo uu geli, hadba midduu Ilaahay ka muteystay iyadoo loo eegi siduu camalkiisa kale ahaa.”

Wuxuuna ku soo wariyey Muslim qowlka rasuulka (SCW):

Macnaha xadiiska waxaa weeye: “Qofkii geel ama lo’ ama ari lahaa aan sakadeeda bixin waxaa lagu salladi         iyagaa xoog badan, buuranna, markaa bay        ku dili qofka geesahooda, lana dhici cagafyahooda iyo qoobabkooda kolkay tii u dambeysay ay ka faaruqdo baa waxaa ku soo laaban tii ugu horreysay, dhibkaa iyo cadaabtaa buuna ku jiri tan iyo inta loo kala garsoori dadka.”

Taana waa ciqaabta qofka sakada aan dan u galin kana bakheyla walaalahi muslimiinta, isagoo sidaa ugu caasin Rabbi iyo rasuulki, cadaawadna ugu muujin muslimiinta, iyo inayan walaaltooyo ka dhaxeyn.

Ciqaabtiisa adduunkana waa in xoog iyo sandulle looga qaado iyo dagaal taana waxaa fulinteeda iska leh hoggaanka jamaacada muslimka, markaana waa labo qofkaa sakada bakheylnimo u diiday: inuu ku halaagsamo dagaalkaa, ama sakada oggolaado. Waxaynuna ognahay in Abii Bakar as-Siddiiq – Ilaahay ha ka raalli noqdee – uu la dagaalay qolooyinkii diinta ka noqday, dhimashadii nebiga (SCW) kaddib ee sakada diiday.

Uuna yiri:

Macnaha hadalka Abii Bakarna waxaa weeye: “Wallaahi hadday ii diidaan waxar keliyaay waqtigii rasuulka bixin jireen, sako ku waajibtayna ah, inaan kula dagaali!”

Waxaana sidaa ku waafaqay asxaabtii oo dhan – Ilaahay ha kawada raalli noqdee – wada jir bayna ula dagaaleen qolooyinkii riddoobay, oo uma ayan kala ayan harin. Waxaana ku soo arooray Saxiixul Muslimka ee iyadana muujin ciqaabta qofka sakada aan bixin xadiiskan.

Macnaha xadiiskana waxaa weeye: “Qof kastoo dahab ama qalin – ama maal u saaxiib ahaaday – xaqa Ilaahay aan ka gudan sida sakada iwm, wuxuu Ilaahay ku abaal mariyaa maalinta Qiyaamaha inuu xoolahiisa kaga dhigo weelal dab ah, lagu soo kuleleyn naarta jahannama, markaa baa lagu gubi, laguna kaawiyadeen foolkiisa, dhinacyadiisa, iyo dhabarkiisa, kolkay yari qaboobaanba dib baa loo kululeyn, cadaabtaa buuna ku jiri maalin dhererkeeda la eg yahay konton kun oo sano, tan iyo inta loo kala garsoori addoommada.”

Sakaduna waxay leedahay faa’idooyin badan, mid diineyd, mid dhaqan iyo dhaqaale, iyo mid bulshaba. Waxaynuna ka xusi arrimahan soo socda:

Waxaa ka mid ah faa’idooyinkeeda diinta:

  1. Waa fulin iyo oogid tiir ka mid ah tiirarka Islaamka ee uu qofku ku helayo ladnaan adduunyo iyo liibaan aakhiro.

  2. Waxay qofku u dhoweyn Rabbigiisa, kordhin iimaankiisa, arrintaa oo ay kala mid tahay falidda arrimaha kale ee Ilaah inoo xilsaaray.

  3. Wuxuu qofku ku muteysan ajar badan iyo gallad Eebbe iyo xoolaha oo u barakooba (tarma).

Wuxuu yiri sarreeye Ilaahay:

Macnaha aayadda waxaa weeye: “Alla ribada wuu baraka tiraa, sadaqaadkana koriyaa, sawaab aakhiro ee badanna qofkiisa kaga qoraa.”

Sidoo kale wuxuu yiri sarreeye Ilaahay:

Macnaha aayadda waxaa weeye: “Waxaad ribo ahaan u bixiseen, si dadka dhexdooda ay maalkiinna ugu kordhaan, Ilaahay xaggiisa idiin kagama kordhayaan, waxaadse sako ahaan ula baxdeen, idinkoo wajiga Ilaahay ku doonaya, kuwaa weeyaan, kuwa aan u laba laabayo ajarka iyo kheyrka ay la yimaadeen.”

Wuxuuna yiri nebi Maxamed (NNDHA):

Macnaha xadiiskuna waxaa weeye:

“Qofkii saddaqo ahaan ula baxa xabbad timir ah qaddarkeed, uu xalaal ku kasbaday, Ilaahayna ma aqbalo waxaan kasab xalaal ah aheyn, Ilaahay midigtiisuu ku qaataa, kaddibna u koriyaa ciddii la baxday, sida midkiin u koriya ilmaha yara, illaa ay saddaqadiisa noqoto sida buur oo kale.”

Waxaa soo wariyey al-Bukhaari iyo Muslim.

  1. Ilaahay wuxuu qofka ugu cafiyaa gafafkii ka dhacay, uguna dhaafaa dunuubta, siduu yiri rasuulkii Ilaahay (SCW):

Macnaheeduna waxaa weeye:

“Sadaqadna – oo loola jeedo sakada waajibka ah iyo sadaqada tadawaca ah ee uu qofku isagu garto – waxay baqtisaa oo ay ka meertaa qofka dunuubta, sida ay biyahuba u damiyaan dabka.”

 

FAA’IDOOYINKA DHAQAN-DHAQAALE:

  1. Wuxuu qofka kaga mid noqon ehlu kheyrka samaha iyo sifaalaha wanaagsan lagu tilmaamo.

  2. Waxay muujin naxariista qofka iyo maxabbada uu u hayo walaalahi islaamka ee maxaysatada ah, qolooyinka naxariista dadka u galana, galladda iyo naxariista ar-Raxmaan bay ku guuleysan.

  3. Waxtarka uu qofku u galo walaalahi islaamka – xoog ama xoolo ama aqoon kordhin – kay ahaataba, waa sharaf qalbiga sharaxda, walaalahaa islaamkuna ay kugu jeclaan, maxabbad iyo kalgaceyl kuugu heyn.

  4. Sakadu waxay qofka ka daahirisaa, oo ay ka meyrtaa laxejeclada, mudulnimada iyo xumahoo dhan.

Siduu yiri sarreeye Ilaahay:

Macnaha aayaddana waxaa weeye: “Waxaad xoolahooda ka qaadda saddaqo – sakada – aad iyaga ku daahirineysid, una ducee, ducadaadu naxariis bay u tahay, Eebbana waa kii maqal iyo cilmi badan.”

 

Faa’idooyinkeeda Bulshannimo

  1. Waxay dabooli baahida fuqarada ee bulshada ku badan.

  2. Sakadu waxay xoojisaa muslimiinta, heer wanaagsan gaarsiisaa.

  3. Waxay ka hor istaagi fuqarada inay xaasidnimo qalbigooda ugu qaadaan walaalahood maalqabeennada ah, waayo hadday arkaan fuqarada inayan waxba ugu ool hantida maalqabeennada – ha yaraato ama ha badnaato – waxaa laga yaabaa inay colaad iyo cadaawad qalbiga ugu qaadaan hantileyda, kolba haddayan tixgelin, danna u galin xuquuqdooda, ayanna baahi tirin.

Haddayse kaydkooda wax ka siiyaan kolkuu sannad ka soo wareegaba sida bil Soon kasta arrimahaa way tirtirmi, muxabbad iyo kalgaceylna ka dhaxeyn.

  1. Waxay tayo iyo taran ahaanba u kordhin maalka iyo kheyrka qofka muslimka ah, tixraac qowlka rasuulkii Ilaahay (SCW):

Oo macnaheedu yahay: “Saddaqo maal kuma nuqsaamo.”

Oo hadday tiro ahaan u naaqisto, tayo iyo taran ahaan u naaqusin meyso, balse Ilaahay kheyr kale oo tarma buu qofka ugu hibeyn.

 

Faa’idooyinka kor ku xusan waxay inoo muujin ahmiyadda ay sakada u leedahay nolosha qofka iyo bulshadaba ee mahad Ilaahay hanaga gaadho, Allahaa xigmadda iyo cilmiga aan la koobi karin u saaxiib ahaaday.

 

MAALKA AY SAKADU KU WAAJIBTO:

Maalka ay sakadu ku waajibto, waxaa inoogu faahfaahiyey qowl iyo ficil iyo qiridba rasuulkii Ilaahay (SCW), waayo Qur’aanka si guud ayuu Ilaahay kaga hadlay sakada, oo kuma faahfaahin, waayo sunnada nebiga ayaa leh caddeynta iyo faaqidaadda, siduu Ilaahay subxaanahu watacaalaa inoo sheegay, oo ay aayaddani muujin:

Macnaha aayaddana waxaa weeye: “Waxaynu kugu soo dejinnay xuskan – sharafta iyo qiimaha ah – Qur’aanka, si aad dadka ugu caddeyso, waxa xagga Rabbigood kaga yimi, waxay mudan inay wanaagga garowsadaan, xaqaana u dhug yeeshaane.” Suuradda al-Naxl.

Waxaana ka mid ah aayadaha dadka faraya sakada iyadoo si kooban -ee u baahan in la faaqido – kaga hadashay sakada, mowduucaa sadaqaadka si guud u soo qaadan – ee u baahan in si gaar ah loo biyaamiyo, qowlka sarreeye Ilaahay:

Macnaha aayaddana waxaa weeye: “Kuwa Eebbe rumeeyow wax ka bixiya waxa xalaal idinku soo galay ee aad shaqeysateen, iyo waxaynu dhulka idiinkaga soo saarnay.”

Waxay aayaddu taabatay in sako laga bixiyo hantida uu qofka leeyahay, iyo waxa dhulka kaga soo baxay. Sidoo kale wuxuu sarreeye Ilaah yiri:

Macnaha aayadduna waxaa weeye: “Kuwa Eebbe rumeeyow wax ka bixiya deeqdaynu idin siinnay.” Suuradda al-Baqara.

Waxay aayaddan ina fari inaynu wax la baxno guud ahaan, haddaba waxaa soo geli sako, saddaqo iskaa ah iyo qeyrkoodba.

Aayadda hore ma ayan caddeyn inta ay la eg yihiin hantida iyo xoolaha ay sakadu ku waajibi oo la yiraahdo NASAAB, nasaabkuna waa qaddarka hadday hantida iyo xoolaha ay gaaraan sakada laga bixin, sidoo kale aayaddu ma ayan caddeyn, waxa dhulka ka soo baxa ee sakada laga dooni sida sareenta, iyo timirta, iyo waxa aan sakada laga dooneyn sida khudradda iyo fawaakihda, – tusaale ahaan.

Aayadda labaadna si guud ayey u amartay in wax lala baxo oo ma ayan qeexin:

In loola jeedo nafaqadaa la bixin sakada iyo in kale, haddii sakada loola jeedo maxaa sako laga bixin? Noocma? Immise ayaa laga bixin? Arrimahaana waxaa u xilsaarsan sunnada nebiga (NNEDHA) inoona biyaamisay:

Waxaa sako in laga bixiya leh, oo ay ku waajibtaa:

  1. Dahabka iyo qalinka iyo lacagaha kala duwan.

  2. Silcidaha – badeecadaha – iibka u bandhigan iyo kuwa keydka ah ee qiimaha wanaagsan lala dooni, muddana ooli kara.

  3. Maal dhulka hoosti ku aasnaa ee la helay, waxaana la yiraa Rakaaz oo ah hanti ay dadkii hore aasteen.

  4. Macaadinta waxtarka leh, sida birta, batroolka, dhuxul dhagaxeedka iwm.

  5. Xoolaha oo ah geela, lo’da iyo ariga.

  6. Miraha dhulka ka baxa ee quudashada iyo kaydsashada gala sida sarreenta, galleyda, timirta, masaggada iyo sisinta.

 

GOORMAY SAKADU WAAJIBTAA?

Sakada ku waajibka ah hantida qofka muslimka ah, waxay leedahay sharuud lagama maarmaan ah in la helaa, sakaduna ku waajib noqon meyso hantidaa haddii sharuuddaa la waayo, sharuuddaa oo ah:

  1. Lahaansho dhan oo ah inay hantidaa ku jidho gacanta cidda leh, xor u yahay maamulkeeda, waxaana soo geli lahaanshada dhan iyo maalka gacantaada ku jira, amaah aad ku leedahay dad aad kolkaad doonta ka heli kadho, ee inay iska bixiyaan awooda, iyaguna aan inkirsaneyn.

  2. Bislaanshaha miraha beeraha, waayo sako lagama doonayo miraha intayan adkaan, iyo sidoo kale timirta intayan bislaan oo ayan ceyriin bixin.

Wuxuu yiri sarreeye Ilaahay:

Macnaha aayaddana waxaa weeye: “Xaqa lagu leeyahay ka baxsha maalinta aad beerta goyneysaan.” Suuradda al-Ancaam.

  1. Inay sannad ka soo wareegtay – xoola – nasaabka uu qofku milkaday, nasaabkuna, sidaynu horay u soo sheegnay waa inta hadday hantidu gaadho sako laga dooni. Shardigan ah in sannad kastaba sakada laga bixiyaa waxay ku kooban tahay dahabka, qalinka, lacagta, xoolaha iwm.

  2. Inay qaddar ahaan nasaab gaaraan, oo ah xadka maalka hadduu gaaro sakadu ay ku waajibto, nasaabkuna mid ma aha oo wuxuu ku xiran yahay hadba waxa sakada laga bixin, tusaale ahaan nasaabka xoolaha la mid ma aha kan dahabka, qalinka, lacagaha iyo miraha beeraha, waxaynuna si gaar ah kaga hadli mid waliba nasaabkeed, oo ah inta hadday gaaraan sako laga dooni.

 

DAHABKA IYO QALINKA:

1- Dahabka:

Nasaabka dahabka – hadduu ceyriin yahay iyo haddii kaleba – wuxuu ahaa berigii rasuulka (SCW) labaatan Diinaar, – Diinaarkaa oo dahab ahaa – halkii Diinaarna wuxuu la ekaa, miisaankiisuna ahaa toddobatan iyo labo (72) xabbo oo sareen meel dhexaad la il bixiyey ah, miisaankeeduna yahay garaam ahaan seddex garaam iyo bar, taqriiban.

Sidaa awgeed, haddii seddex garaam iyo bar lagu dhufto labaatan Diinaar, waxay noqon toddobaatan garaam, oo ah qaddarka hadduu dahabka la eg yahay la dooni in sakada laga bixiyo, sidaa awgeed qofkii leh dahab gaaraya toddobaatan garaam ama lacag goysa ama ka badan, xowlna uu ka soo wareegay (sannad) waxaa ku waajib ah inuu sako ka bixiyaa… sakada ku waajibka ah dahabkana waa boqolkiiba laba iyo bar, sidaa daraaddeed waxaa ku waajib ah toddobaatankaa garaam laba garaam oo rubuc la’.

Waxii toddobaatan ka batana waa iyaga iyo xisaabtooda, intay gaaraanba, boqolkii garaamba waxaa laga dooni labo iyo bar garaam, ama dhigankood oo lacag ah.

  1. Qalinka:

Nasaabka qalinkana waa shan waqiyadood, waqiyaddiina waxay aheyd afartan Dirham oo qalin ah waqtigii rasuulka (SCW), marka kolkii afartan lagu dhufto shan waqiyadood, waxay noqon laba baqol oo Dirham,, oo ah nisaabka qalinka, tixraac xadiiska rasuulkii Ilaahay (SOW):

Macnaha xadiiska waxaa weeye: “Shan waqiyadood waxii ka yar sako kuma waajibto.” Halkii Dirham wuxuu miisaankiisa ahaa kow iyo konton xabbo oo sareen ah, garaam ahaan dhan labo garaam iyo tobon dhig seddex dhig garaam (2.3) markii lagu dhufto laba boqol oo Dirham waxay noqon afar boqol iyo lixdan garaam oo ah nasaabka qalinka. Waxaana sako ahaan laga bixin boqolkii laba iyo bar sida dahabka.

Sidaa awgeed, waxaa laga dooni afar boqol iyo lixdankii garaam ee qalin ahba sako dhan kow iyo toban garaam iyo bar, ama dhigankood lacagtaa wareegeysa ah, sidaa daraaddeed qofkii leh afar boqol iyo lixdan garaam oo qalin ah ama lacag goyn karta xoolna (sannad) uu ka soo wareegay, waxaa ku waajib ah inuu sako ka bixiyaa dhan boqolkiiba labo iyo bar.

 

  1. Geela

Geela hadduu tiro ahaan shan neef gaaro sakaa ku waajibta, tixraac qowlka rasuulkii Ilaahay (SCW):

Macnaha xadiiska waxaa weeye: “Geelu hadday shan neef hoos ugu dhacaan sako laguma leh.”

Sidaa awgeed, nasaabka geelu waa shan neef, qofkii leh shan neef oo geel ah waa inuu kolkuu xool – sannad – soo wareegaba, sako ka bixiyaa dhan neef ari ah.

 

  1. Lo’da

Lo’da nasaabkeedu waa hadday soddon neef gaaraan, qofkii soddon neef oo lo’ ah leh sannadna ay ka soo wareegtay lahaanshadaa waa inuu sako ka bixiyaa. Sakadeeduna waa weyl ama dibi gu’ jir ah, waxaana u daliil ah xadiiskan Mucaad – Ilaahay ha ka raalli noqdee:

Macnaha xadiiska Mucaadna waxaa weeye: “Wuxuu ii diray rasuulkii Ilaahay (SCW) Yaman, wuxuuna i amray inaan soddoonkii neef ee lo’ ah ka qaado dibi ama weyl gu’ jir ah, afartankii neef ee lo’ ahibana qaalin neef lo’ ahoo laba jir ah.”

 

  1. Ariga

Arigana waxay sakadu ku waajibtaa oo nasaab u ah afartan neef. Ciddii afartan neef oo ari ah leh, riyo iyo ido ama isku dhex jir waxay ahaadaanba, sannadna ka soo wareego, waa inuu sako ka bixiyaa dhan ceesaan neef ari ah oo sannad dhammeystay, sannadkii labaadna gashay. Tixraac xadiiskan Anas – Ilaahay ha ka raalli noqdee:

Macnaha xadiiska waxaa weeye: “Sakada arigana waxaa laga bixin kuwooda daaqa, hadday afartan neef gaaraan illaa iyo boqol iyo labaatan neef, neef keliya, tirada 120 ka badan illaa iyo labo boqol (200) waxaa sako ahaan looga bixin laba neef oo ari ah.” Waxaa soo wariyey al-Bukhaari – Ilaahay ha u naxariistee.

 

  1. Miraha

Miraha beeraha ka soo go’a nasaabkoodu waa hadday gaaraan shan owsuq, tixraac qowlka rasuulkii Ilaahay (SCW):

Macnaha xadiiska waxaa weeye: “Wixii shan wisiqadood ka yar sako kuma waajibto wisuquna waa lixdan koombo, koombadiina waa afar illaa afar iyo bar mugga laba sacabbadood ruux calaacalo meelo dhexaad ah leh, ama koombo labo kiilo iyo bar qaad ah.

Sidaa awgeed qofkii leh shan wisiqadood oo xubuub ah – badar – masaggo, galley, sareen, iwm ee beertiisa uga soo go’day waa inuu ka bixiyaa sako dhan kolka waxii beerta ka soo go’ay tobon dhig loo dhigo, dhig taana waa hadday biyaha roobka ama ilaha ay ka waraabeysay, amaba ay tahay mid iska soo baxda aan biya laga waraabin haddiise makiinado, qalab iyo ceelal laga waraabinayey markaa waxaa laga bixin sako dhan kolka mirahaa beerta toban dhig loo dhigo, dhig barki sidaa awgeed shantii awsuqba waxaa sako ahaan looga bixin wisiq barki ama rubuci, hadba xaaladda beerta iyo biyaha ay ka waraabtay iyo qalabka loo adeegsaday. Waxaana u wanaagsan qofka beeraleyda ah ee Rabbi iyo rasuulki rumeysan inuu sameysto weel qaadi kara labo kiilo iyo bar, afar iyo bar mug sacabbo qof calaacalo meel dhexaad leh, uu ku kiileeyo badarka iyo mirahaa beerta uga soo go’ay lixdankii koombo markaa waa wisiq, qofkii shan wisiq leh, sako ha ka bixiya dhan nus wisaq ama rubaci, sidaynu horay u soo sheegnay, haddaba sida waraabku beerta ahaa, ama ha ka bixiya boqolkii koombaba, toban koombo haddii ay biyaha roobka iwm ku soo baxday, ama boqolkii koombaba 5 koombo haddii qalab iyo biyaha ceelasha iwm loo adeegsaday.

Waxaana la dooni sidaynu horay u soo sheegnay inay koombadu tahay afar iyo bar mug qaad sacabbo ruux calaacalo meel dhexaad ah leh, ama laba kiilo iyo bar qaad ah.

 

  1. Rakaaska:

Rakaazka waa maal dhulka hoosti ku aasnaa ee la helay waxaana sako ahaan ku waajibto shan meel, meel. Tixraac qowlka rasuulka (SCW):

Macnaha xadiiskuna waxaa weeye: “Rakaaskuna oo ah xoolo dhulka hoosti ku aasnaa ee laga helay, dadkii horena ay ka tageen waxaa ku waajibta, sako ahaanna loogo bixin, kolka shan dhig loo dhigo, dhig.”

Sidaa awgeed qofkii helaa kansi dhulka ku aasan ee ah kayd ay dadkii hore ka tageen, waa in marka la helaba laga bixiyaa sako dhan boqolkiiba labaatan oo ah shan dhig, dhig.

 

  1. Macaadinta

Waxaa macaadiinta laga bixin sako dhan boqolkiiba laba iyo bar sida dahabka, qalinka iyo lacagaha. Ha yeeshee lalama sugayo xool, oo ah inay sannad ka soo wareegto.

Sidaa awgeed, kolkuu la soo baxaba kaa macdanlaha ah qayb dhan nasaabka dahabka ama qalinka, horay buu sakadooda ka bixin oo la sugi mahayo inuu sannad ka soo wareego – xool.

 

  1. Xulyadda:

Oo ah dahabka iyo qalinka iwm ay dumarka xidhaan, sakana waxay ku waajibi haddii uu nasaab gaaro, qofkaa dumarkana ay kayd ahaan ula jeeddo, xirashadeeda ka sakow, ayanna cidna u oggoleyn inay amaahiso oo ay tabal caaro ahaan u siiso.

Sidaa awgeed hadday xulyaddaa ah dahabka ama qalinka iwm ay dumarka xidhaan ayan dhammeyn nasaab, ama isku qurxin keliya loola jeedo, inay cid amaahisana ayan waxba ka qabin markaa sako lagama doonayo.

Masaaladdani waa masalad laysku khilaafay waxaana jira adillo xoog leh ee muujin inay sako ku waajibto dahabka, qalinka iyo xulyadda ay dumarka xidhaan kolba hadday nasaab gaari, sidaa awgeed waxaa door roon. u shaki bax ah haweenta muslimadda ah inay sako ka bixiso dahabka ama xulyaddeeda hadday nasaab gaadho 70 Garaam oo dahab ah ama 460 Garaam oo qalin ah ama ka badanba, isku qurxin ha ula jeeddo ama yeyan ula jeedine.

 

Caddeyn La Xiriidha Sakada Xoolaha:

Geela:

Qofka muslimka ah hadduu leeyahay geel tiro ahaan gaari shan neef illaa iyo sagaal neef oo geel ah, sannadna ay ka soo wareegto lahaanshadaa, waxaa ku waajib ah inuu sako ka bixiyo dhan neef ari ah. Hadduuse leeyahay toban neef illaa iyo afar iyo toban neef oo geel ah, waxaa ku waajib ah inuu sako ka bixiyo dhan laba neef oo ari ah.

Hadduu leeyahay shan iyo toban neef illaa iyo sagaal iyo toban neef oo geel ah, waxaa ku waajib ah inuu ka bix iyo sako dhan seddex neef oo ari ah.

Hadduu leeyahay labaatan neef illaa iyo afar iyo labaatan neef oo geel ah waxaa ku waajib ah inuu ka bixiyo sako dhan afar neef oo ari ah.

Hadduu leeyahay shan iyo labaatan neef illaa iyo soddon iyo shan neef oo geel ah, waxaa ku waajib ah inuu ka bixiyo sako dhan nirig gu’ jir ah sannad dhammeysatay, sannadkii labaadna u gashay. Hadduusan geeliisa ka dhex helin nirigtaa oo kale wuxuu bixin qurbac – neef geel oo lab ah laba jir – 2 sano dhammeysatay, gu’gii seddexaadna ay u billaabatay.

Kolkay tirada geelu gaaraan soddon iyo lix (36) illaa iyo shan iyo afartan neef oo geel ah, waxaa ku waajib ah inuu ka bixiyo sako dhan qaalin – neef geel oo dheddig ah labo sano dhammeysatay, gu’gii seddexaadna ay u billaabatay.

Kolkay tirada geelu gaaraan lix iyo afartan illaa iyo lixdan neef oo geel ah, waxaa ku waajib ah inuu ka bixiyo sako dhan qaalin – neef geel oo dheddig ah – seddex sano dhammeysatay, gu’gii afaraadna ku jidha.

Kolkay tirada geelu gaaraan kow iyo lixdan illaa iyo shan iyo toddobaatan neef oo geel ah, waxaa ku waajib ah inuu ka bixiyo sako dhan qaalin afar sano dhammeysatay, gu’gii shanaadna ku jidha.

Kolkay tirada geelu gaadho lix iyo toddobaatan illaa iyo sagaashan neef oo geel ah, waxaa ku waajib ah inuu ka bixiyo sako dhan laba qaalmood oo laba jirra ah gu’gii seddexaadna u socda.

Kolkay tirada geelu gaadho sagaashan illaa iyo boqol iyo labaatan neef oo geel ah, waxaa ku waajib ah inuu ka bixiyo labo qaalmood ee seddex jirra ah, gu’gii afaraadna u billowday.

Kolkay tiradu boqol iyo labaatan kor u dhaafto, afartankii neef oo geelaba, waxaa laga bixin qaalin – neef geel oo dheddig ah ee laba jir ah, gu’gii seddexaadna u billowday, kontonkii neef oo geelana, waxaa laga bixin qaalin seddex sano dhammeysatay gu’gii afaraadna u socdo.

Halkanna waxaynu ku soo qaadan qorshe muujinaya tirada geela iyo sakada waajibka ah in laga bixiyaa:

 

QORSHAHA TIRO (1) EE MUUJINAYA SAKADA GEELA

tirada ka billaabata   illaa iyo    sakada laga bixin sannadkiiba waa

5                              9              neef ari ah

10                             14             laba neef oo ari ah

15                             19             saddex neef oo ari ah

20                             24             afar neef oo ari ah

25                             35             nirig gu’ jir ah – gu’gii labaadna u socdo ama qurbac laba jir ah, gu’gii seddexaadna ku jira

36                             45             qaalin laba jir ah, gu’gii saddexaad gashay

46                             60             qaalin saddex jir ah gu’gii afaraadna ku jidha

61                             75             qaalin afar jir ah gu’gii shanaadna ku jidha

76                             90             laba qaalmoodoo laba jirra ah, gu’gii saddexaadna ku jira

91                             120           laba qaalmoodoo saddex jirro ah gu’gii afaraadna ku jira

 

Hadday tirada geelu dhaafto boqol iyo labaatan waxaa waajib ah in afartankii neef oo geelaba laga bixiyo qaalin labajir, gu’gii seddexaadna ku jidha, kontonkii neef oo geelana qaalin seddexjir ah, gu’gii afraadna ku jidha.

 

(B)     LO’DA

Qofkii muslim ahee leh soddon neef illaa iyo soddon iyo sagaal neef oo lo’ ah, waxaa ku waajib ah inuu ka bixiyo sako dhan dib gu’ jir ah, hadduu leeyahay qofkaa afartan illaa iyo sagaal iyo konton neef oo lo’ah, waxaa ku waajib ah inuu ka bixiyaa sako dhan weyl laba jir ah. Hadduuse leeyahay lixdan illaa iyo sagaal iyo lixdan neef oo lo’ ah, waxaa ku waajib ah inuu ka bixiyaa sako dhan labo dibiyoo gu’ jirra ah.

Hadduu leeyahay toddobaatan illaa iyo sagaal iyo toddobaatan neef oo lo’ ah, waxaa ku waajib ah inuu ka bixiyaa sako dhan weyl laba jir ah iyo dibi gu’ jir ah. Intaa kaddib soddonkii neef oo lo’ ahiba, waxaa laga bixin sako dhan dibi gu’ jir ah, afartankii neef ee lo’ ahina weyl laba jir ah, sidaa baa lagu socon intay gaaraanba.

Halkanna waxaynu ku soo qaadan qorshe kale ee muujinaya tirada lo’da iyo sakada waajibka ah in laga bixiyaa.

 

QORSHAHA TIRO (2) EE MUUJINAYA SAKADA LODA

tirada ka billaabata   illaa iyo    sakada laga bixin sannadkiiba waa

30                             39             dibi gu’ jir ah

40                             59             weyl laba jir ah

60                             69             laba dibiyoo qu’ jirra ah

70                             79             weyl laba jir ah iyo dibi gu’ jir ah

 

Kaddib hadday tirada lo’da gaadho siddeetan iyo ka badan, waxaa laga bixin soddankii neef lo’ ah dibi gu’ jir ah, afartankiina weyl laba jir ah, sidaa awgeed siddeetankii neef oo lo’ ah laba weylood oo laba jirra ah ayaa sako ahaan looga bixin, sagaashankiina seddex dibi oo gu jirra, boqolkiina weyl laba jir ah iyo laba dibiyoo ee gu’ jirra ah.

 

(C)     ARIGA

Qofkii muslim ahee leh afartan illaa iyo boqol iyo labaatan neef oo ari ah, waxaa ku waajib ah inuu ka bixiyaa sako dhan neef ari ah, hadday boqol iyo labaatan dhaafaan tirada ariga ah illaa iyo labo boqol oo neef, waxaa waajib ah in laga bixiyaa sako dhan labo neef oo ari ah, hadday labo boqol tiradu dhaafto ilaa iyo seddex boqol waxaa waajib ah in laga bixiyaa sako dhan seddex neef oo ari ah, hadday seddex boqol tiradu dhaafto illaa iyo afar boqol, waxaa waajib ah in laga bixiyaa sako dhan afar neef oo ari ah, hadday tiradu dhaafto afar boqol illaa iyo shan boqol, waxaa waajib ah in laga bixiyaa sako dhan shan neef oo ari ah, shan boqol arigu hadduu kor u dhaafo, boqolkii neef oo ari ahba neef ayaa laga bixin.

Halkanna waxaynu ku soo qaadan qorshe muujinaya tirada ariga iyo sakada waajibka ah in laga bixiyaa.

 

QORSHAHA TIRO (3) EE MUUJINAYA SAKADA ARIGA:

tirada ka billaabata   illaa iyo    sakada laga bixin sannadkiiba waa

40                             120           neef ari

121                           200           laba neef oo ari ah

201                           300           saddex neef oo ari ah

301                           400           afar neef oo ari ah

401                           500           shan neef oo ari ah

 

Arrimo la xiriira sakada xoolaha:

Midda hore:

Tirooyinka dhex yaalka ah sako lagama doonayo. Tirada dhex yaalka ah waa tirada u dhaxeysa tirooyinka sakada la saaray, laguna farad yeelay. Waxaana laysku raacsan yahay inayan sako ku waajibin, tirooyinka dhex yaalka ah waxay gaar ku yihiin oo keliya sakada xoolaha, sakadase laga bixiyo miraha beeraha, dahabka, qalinka iyo lacagaha, tirooyin dhexyaal ah ma leh, waxii nasaabkaa qaddaran ka kordhana, hadba intay dhan yihiin baa sako looga bixin, ama ha yaraato ama ha badnaatee…

Tusaale tiro dhex taal ah haddaynu geela ka soo qaadanno waa sida qof muslim ah oo leh sagaal neef oo geel ah, wuxuu sako dhan neef ari ah ka bixin shan neef oo geel ah, afarta hadhayse waxba kama bixinayo illaa ay tirada geelu korodho oo ay noqdaan toban, markaa waxaa laga bixin sako dhan labo neef oo ari ah… Haddaynu tusaale lo’da ka soo qaadanno, waa sida qof muslim ah oo leh soddon neef oo lo’ ah, wuxuu ka bixin sako dhan dibi gu’ jir ah, hadday tiradii soddonka aheyd mid ama ka badan dhaafto sako laguma leh intaa soddonka dheer, illaa ay gaaraan afartan.

Sidaa awgeed tirada u dhaxeysa soddon illaa iyo afartan – lo’daynu ka hadliye – waa dhex taal oo sako laguma leh.

Haddaynuna tusaale ariga ka soo qaadanno, waa sida qof muslim ah oo afartan neef oo ari ah leh, wuxuu ka bixin sako dhan neef ari ah kolkay sannad ka soo wareegto, hadday tirada afartan dhaafto, tiradaa dheeriga ah sako lagama doonayo illaa ay tiradu gaadho boqol iyo labaatan, markaa baa waxaa laga bixin sako dhan laba neef oo ari ah. Sidaa awgeed tirada u dhaxeysa afartan illaa iyo boqol iyo labaatan -arigaynu ka hadliye waa dhex taal oo sako laguma leh.

Arrinta labaad: In noocyadii is lehba laysu geeyo tusaale ahaan idaha iyo riyahu waa laba nooc waase laysku wada tirin, oo laysku dari midna laga soo qaadi, waxaana sako ahaan loo bixin labadaa hadba kii tiro ahaan badan.

Arrinta seddexaad: Qolooyinka ay xoolaha isugu jiraan iyagaa dib isugu laaban – ee kaga wada xisaabtami. Tusaale ahaan, hadday jiraan laba qof oo ay xoolo, geel, lo’ iyo ari leh isugu jiraan ee uu nin keliya raaco, xoolahaa oo meel keliya ka wada daaqa, sidaana isugu dhafan, marka wuxuu yeeli saka ururiyaha, wuxuu ka qaadi sakada waajibka ku ah deeto iyagaa isku laaban qoladii wada laheyd.

Masalan, hadday isugu jiraan ari tiro ahaan dhan afartan, wuxuu sako ururiyahu ka qaadi neef ari ah, markaa buu kii xoolahiisa ceesaanta laga qaaday – neefkaa ariga ah ay ka wada xistaabtami cidday xoolaha isugu jidhay, waayo sako ururiyaha wuxuu eegi xoolaha isku jira, tirinna, sakada ku waajibtayna ka qaadi, dabadeedna waxaa ka wada xisaabtami, oo dib isugu noqon qoladii wada laheyd.

  1. Ma bannaana in xoolo isku jiray la kala saaro, ama xoolo gaar kala ahaa laysu geeyo si sakada looga baxsado, tixraac xadiiskan:

Macnaha xadiiska waxaa weeye: “Rasuulkii Ilaahay (SCW) wuxuu diiday oo ka digay in laysu keeno xoolo gaar kala ahaa, ama la kala saaro xoolo wada jiray, si sakada looga baxsado.”

Haddaynu tusaale arrintaa ka soo qaadanno, waa sida laba qofoo wada leh, oo ay isugu jiraan ari tiro ahaan dhan labo boqol iyo laba neef, waxaa ku waajib ah sako dhan seddex neef oo ari ah kolkayse ka war helaan inuu sako ururiyihii soo hayo, kala saaraya xoolaha oo mid waliba gaar ula bixi arigiisii, mid waliba wuxuu yeelan boqol neef iyo neef keliya, markaa baa waxaa ku waajib noqon laba neef oo ari ah, halkii seddexda neef ay ku waajibi laheyd, hadday xoolahooda sidii hore isugu jiri lahaayeen.

Ama inuu mid kasta oo iyaga ka mid ah leeyahay afartan neef oo ari ah ayna u kala soocan yihiin, isuguna jirin, ha yeeshee kolkay ka war helaan inuu soo hayo sako ururiyihii, isu geyn xoolahii, si ayan ugu waajibin waxaan neef keliya aheyn, waayo haddii sidooda loo daayo, oo aan xoolaha laysku darin, waxaa afartankii neef oo gaar ahba ku waajibi neef ari ah, laakiinse hadday isku daraan, oo ay mid noqdeen, waxaa ku waajibi siddeetankaa ari ee wada jira, neef ari ah oo keliya..

Arrinta shanaad: shardiga daaqa ee xoolaha ku xiran. Waxay qabaan jamhuurta ehlu cilmiga inay xoolaha daaqooda birriga ay shardi tahay waajib ah in la helaa, si sako looga qaado…

Sidaa awgeed, qofkii leh xoolo calaf ku nool ah, aan dhirta miran, sako laguma leh, xataa hadday nasaab – tiradii sakada ku waajibeysay – ay gaadho.

Tixraac qowlka rasuulkii Ilaahay (SCW):

Macnaha xadiiskana waxaa weeye: “Hadday qofka xoolahiisa daaqa ee la raaco tiro ahaan ka yar yihiin afartan neef oo ari ah, sako kuma waajibto.” Waxaa soo wariyey al-Bukhaari.

Marka qowlka rasuulka ee ah – qofka xoolahiisa la raaco ee dhirta dhulka ka soo baxa mirta ee daaqa – waxay ka qaateen jamhuurta in raaciddaa iyo daaqa xoolaha ay shardi tahay waajib in la helaa, si sako xoolaha looga qaado, oo ay ugu waajibto.

Sidaa bayna ku socdeen, oo sako kama ayan qaadi jirin xoolaha raashin ku noolka ah, ee la biilo – qoob xirka ah – iyadoo la tixgelinayo qiimaha raashinka, xerooyinka, shaqaalaha iyo qalabka loo adeegsan naaxinta iyo nafaqeynta xoolahaa.

Arrinta lixaad: Fardaha sako kuma waajibto, tixraac qowlka rasuulkii Ilaahay (SCW):

Haddiise loogu tala galay tarmin iyo iibin, waxaa jira qowl oranaya sako waa laga bixin, waana sida wanaagsan ee door roon.

Arrinta toddobaad: waxaraha, tirada waa lagu dari, ha yeeshee sako ahaan   looma qaadanayo iyada iyo xoolaha la nafaqeeyeyba ee hilboon, in la cunaana loogu tala galay.

Waxartuna waa dheddigoodda ay ri’du dhashay, ee yaraanka ah, uu ari jirahu gacmahiisa ku qaadi karo yaraanteeda awgeed, iyo iyadoo aan socon karin. Waxartaa oo kale tiradu wuu ku darsan sako ururiyaha, ha yeeshee sako ahaan uma qaadanayo, wuxuuse sako ahaan u qaadan ariga kiisa roon.

Sidoo kale ma qaadanayo ri’da buuran ee hilibka iyo cunitaanka leh, sidoo kale ma qaadanayo ri’ ilma heysata ee barbaarin ilmaheeda, sidoo kalena ma qaadanayo ri’ ilma sidda ee xaamil ah, waayo intaynu xusnay waa xoolaha kuwooda wanaagsan, rasuulkii Ilaahayna (SCW) wuxuu ku yiri Mucaad – Ilaahay ha ka raalli noqdee:

Macnaha xadiiskuna waxaa weeye: “lska jir, oo iska ilaali inaad ka qaadato xoolahooda inta wanaagsan.”

Waa xoolaha kuwooda il qabadka leh, sida gaarka ahna loo tirsado, kana magacaaban xoolaha kale, waayo arrintaa waa dhib loo geysan maalka qofka muslimka ah, in dhib loo geystaa qofka muslimka ahna waa xaaraan… kuwa liitana sako ahaan looma bixinayo balse kuwa meel dheexaadka ah, xagga roonaanta u janjeera.

 

CADDEYN LA XIRIIDHA SAKADA LAGA BIXIN MIRAHA IYO XUBUUBTA BEERAHA KA SOO GO’A:

A – Miraha

Waxaynu ula jeednaa miraha halakan seddex waxyaabood oo kala ah timirta, seytuunka (waxay Soomalidu seytuun yiraahdaan jawaafaha, ha yeeshee seytuunka aynu ka hadli waa kaa saliidda laga miiro) iyo canabka, waayo qeyrkood kama sugnaan nebiga (NNEDHA) iyo asxaabtiiba, inay sako ku waajibto – waa miraha dhirta – qofkii daliil ka dhigta aayadda ku soo aroodhay Suuradda al-Baqara, oo aynu horay ku soo sheegnay, ee ah qowlka sarreeye Ilaahay:

Ee yiraahda sakada way ku waajibtaa waxaan seddexdaa aheyn, waxaynu leennahay aayadda waa guud mar, sunnada rasuulkaana caddeysay.

Mana uusan amrin rasuulkii Ilaahay (SCW) Ansaartii oo beeraley aheyd inay sako ka bixiyaan waxaan aheyn mirahaa, miraha kalese wax sako ah kama uusan qaadi jirin.

Sidaa daraaddeed, waxay qabeen jamhuurta inayan sako ku waajibin fawaakihda, sida tufaaxa, rummaanka, iyo, sidoo kale inayan khudradda sako ku waajibin, sida qaraha, sidoo kale kuma waajibto sako baquusha sida basasha iyo toonta, sidoo kale cowska xoolaha sako ma leh.

Waxay sakada ku waajibtaa miraha iyo xubuubta – badarka – kaydsiga iyo quudashada leh, raashin noqon kara lagu nool yahay ama la kaydin karo, ha yeeshee cowska xoolaha loo dhigo, basasha, toonta, tufaaxa, rummaanka, qaraha iwm sako ma leh oo lagama doonay…

Waayo kaydsi iyo raashimasho – quudasho – ma galaan oo hadday quudasho, raashin galaan, kaydsi bayan galayn, hadday kaydsi galaanna, quudashayan galeyn, miraha iyo xubuubta inay kaydsi iyo quudasho – raashimasho – leeyihiin baana laga dhigan karaa tilmaan muujin inay sako ku waajibto iyo in kale. Quudna waa waxa dadka raashinka u ah ee uu qofka ku nool yahay hadduu helayaba.

 

SAKADA LAGA DOONI MIRAHA IYO XUBUUBTA BEERAHA:

Sakada ku waajibka ah miraha iyo xabuubta beeraha waa kolka toban loo dhigo mirahaa dhig, sidaa awgeed qofkii malkada oo ay u soo go’do qaddar nasaab gaari oo ah shan wisiq oo timir ah ama sisin ama seytuun, ama canab, waxaa ku waajib ah sako. Hadday ka waraabto biyaha ilaha, roobka, webiyada, ama dhulka ka qaadato biyaha, waxaa ku waajib ah sako dhan toban dhig kolka loo dhigo dhig. Haddiise waraabkeeda ceel iwm ay ka helaysay, qalab iyo makiinado loo adeegsaday waxaa ku waajib ah sako dhan toban dhig kolka loo dhigo, dhig barki.

Tixraac qowlka rasuulkii Ilaahay (SCW):

 

 

Fiiro gaar ah:

Arrinta koowaad: Canabka hadduu sabiib noqon kara, waxaa sako laga bixin kolkuu sabiib noqdo, hadduu gaaro shan wisiq, seddex boqol oo koombo, koombo afar iyo bar mug qaad ah – sacabbo meel dhexaad ah ama 2 kiilo iyo bar.

Seytuunkana iyo sisinta sako waa laga bixin kolka la shiido, waxaana sakada laga bixin saliiddooda hadday nasaab gaaraan oo ah shan wisiq.

Arrinta labaad: cajowda aan timir noqon karin, canabka aan sabiibka noqon karin iyo seytuunka aan saliidda noqon karin, waa la qaddarin intay geedahooda ku yaalaan haddii la arko inay nasaab gaari, kolka sidooda lagu iibiyo ayaa qiima dhan sakadooda oo lacag ah la bixin kolka la iibsho.

Arrinta saddexaad: Noocyada kala duwan ee miraha, ha yeeshee magaca kore wadaaga, waxaa sakada laga bixin noocooda meel dhexaadka ah, oo lagama bixinayo sakada nooca xun ee mirahaa.

Sida timirta oo kale, waxay leedahay noocyo aad u wanaagsan, iyo noocyo aad u xun, noocooda meel dhexaadka ayaa laga bixin arrintan oo ah tusaalahii rasuulka (SCW), uu siiyey Mucaad – Ilaahay ha ka raalli noqdee:

Macnaha xadiiskana waxaa weeye: “lska jir oo iska ilaali inaad sako ahaan uga qaaddo hantidooda inta wanaagsan.”

Iyo qowlkii Cumar bin Khaddaab – Ilaahay ha ka raalli noqdee:

Macnaha hadalka Cumarna – Ilaahay ha ka raalli noqdee – waxaa weeye: “Waxaraha ku tiri ariga sakada la dooni in laga qaado, ha yeeshee ha uga qaadan sako ahaan.” Waxaa sako ahaan loo qaadan riyaha kuwooda roon waayo, waxarahu waxay soo geli xoolahooda gaarka ah.

Arrinta afaraad: Miraha, sida looska, qumbaha, iyo fawaakihda sida tufaaxa, liinta, bambeelmada, cambaha, iwm ee gaaraya shan wisiq iyo ka badan waxaa qofka u door roon, u shaki baxna ah diintiisana u dhowrsanaan badan, inuu sako ka bixiyo hadduu qiimo wanaagsan ku iibiyo, koluu ka bixiya xitaa boqolkiiba laba iyo bar lacagtaa ka soo gashay, sida sakooyinka dahabka, qalinka iyo lacagta, sidaynu ka niri oo kale sakada fardaha ee la koriyo loona tarmiyo si loo iibiyo.

Arrinta shanaad: Hadduu malabku tira badan yahay, gaarana shan qandaar ee malab ah waxaa door roon, diin dhowrsina ah, in sako laga bixiyo, koluu ka bixiyo xitaa boqolkiiba laba iyo bar lacagtaa ka soo gashay, sida dahabka iyo qalinka.

Waxaana ka soo arooray sakada malabka xadiis daciif ah, sidaa awgeed waxay jamhuurta culumada qabaan inaan sako laga bixineyn, gaar ahaan kolkii la arkay inuusan malabka qaddar ahaan gaarin tiro dhan shan wisiq ama ka badan, ha yeeshee waxaa qofka u wanaagsan, dhowrsanaanta diineed ku jidhaa in sako laga bixiyo malabka hadduu gaaro shan wisiq.

Arrinta lixaad: Qofkii beer timir ama xubuubta kaleba iibiya inta aan la goyn waxay sakadooda saaran tahay oo ay ku waajibi kaa iibsaday, ha yeeshee hadduu heshiisku yahay inuu bixiyo sakada iibiyaha, markaa iibiyahay sakada ku waajibi oo laga dooni…

Qofkiise iibiya kolkay soo go’aan ama bislaadeen, xilligoodiina gaareen, sakadooda waxay ku waajibtaa iibiyaha – khilaaf la’aan.

 

B – Xubuubta

Waxaa loola jeedaa oo la yiraa xubuub, cuntada quudka iyo kaydsashada leh ee raashinka ay dadka ku nool yihiin ah sida, masaggada, galleyda, sareenka, digirta salbukada, bariiska iwm.

Qofkay u soo go’aan tiro dhan shan wisiq iyo ka badan waxaa ku waajibay inuu sako ka bixiyaa, tobon dhig kolkuu u dhigo mirahaa u soo go’ay dhig buu sako ahaan u bixin, taa waa hadday qalab iyo makiinado la’aan ku soo baxday, biyaha roobka, ama webiyada ama ilaha ka waraabtay. Ama kolka toban dhig loo dhigo, dhig barki, taana waa haddii qalab casri ah, makiinado, iwm loo adeegsaday.

 

Fiirooyin Gaar Ah:

Arrinta koowaad: waxii nooc ee is leh kolka sakada la bixin waa laysu geyn, dahabka iyo qalinka waa laysu geyn, tusaale, qof muslim ahbaa wuxuu leeyahay dahab iyo in yar oo qalin ah, wuxuu eegi inta qalinka ah, dahab ahaan ay dhan yihiin, dahabkii uu heystay buu ku dari, hadday nasaab gaaraan oo ah toddobaatan garaam (70g) iyo ka badan sakadii ayuu ka bixin kolkuu xool ka soo wareego, sidoo kale sareenka, masaggada, galleyda, iyo bariiska iwm waa laysu geyn tiro ahaan, hadday shan wisiq gaaraan saka baa ku waajibta, haddii kale sako ma leh.

Sidoo kale digirta, salbukada, luubbiyada waa laysu geyn tiro ahaan, hadday shan wisiq gaaraan sako baa ku waajibta, haddii kale sako ma leh.

Seytuunkana wuu noocyo badan yahay iyo sidoo kale timirta, haddii mid waliba oo iyaga ka mid ah shan wisiq gaaraan – inkastoo noocyo kala duwan yihiin, magaca korese wadaaga sako baa ku waajibta, haddii kale sako ma leh.

Arrinka labaad: Deynku kama ridayo qofka sakada miraha iyo abuurka soo go’a: Deynka qofka wuxuu ka ridaa sakada la doonayey inuu ka bixiyo dahabka, qalinka iyo lacagaha.

Tusaale ahaan qof muslim ah ayaa wuxuu heystaa lacag dhan Shilin Soomaali 315,000 (seddex boqol iyo shan iyo toban kun oo Shilin). Waxaana lagu leeyahay deyn dhan 300,000 (seddex boqol oo kun) marka qofkaa wuxuu yeeli wuxuu kolka hore bixin deynka lagu leeyahay oo ah seddex boqol oo kun oo Shilin, dabadeed waxaa u soo hari shan iyo toban kun oo shilin, wuxuu eegi inta ay ka joogaan 70 garaam oo dahab ah suuqa dahabka, ama 460 garaam oo qalin ah haddii lacagta u soo hartay iyo qiimaha toddabaatan garaam ee dahab ah ama 460 garaam oo qalin isla eg yihiin, ama ay lacagtiisu badan tahay, wuxuu ka bixin sako dhan boqolkiiba laba iyo bar, haddayse ka yar tahay lacagta uu heysto qiimaha 70 garaam oo dahab ah, ama 460 garaam oo qalin ah sako laguma leh illaa inuu isagu qofka iski u dooni mooye uu kheyr iyo sama falid ugu gol leeyahay iyo abaal aakhiro inuu dhigto. Ha yeeshee deenku kama ridayo qofka sakada ku waajibi miraha iyo xubuubta beeraha, iyo sidoo kale xoolaha, qofkii ayna u soo go’aan kun qindaar oo miro beereed ah, laguna leeyahay deyn dhan boqol shilin {Sh. So. 100/-) tusaale ahaan, waa inuu sakada ku waajibta beertaa u soo go’day bixiyaa, intay gaadhaba deenka lagu leeyahay, waayo sakadu halkan waxay ku waajibtaa oo ay ku xiran tahay beerta, laguna leeyahay, oo laguma leh, kumana xirna qofka, oo way kaga duwan yihiin beeraha iyo xoolaha arrintan dahabka, qalinka iyo lacagaha.

Wuxuu qofka beerta u soo go’day ka gudi karaa deen isla beertaa, haddii deenkaa ay beerta la xiriirto, kuna tacalluqdo, sida isagoo u soo amaahday ama iibsaday beerta miro abuur ah, qalab, makiinado, iwm.

Kolkay arrintu sidan tahay, wuxuu qofka ka gudi beerta deenka uu u soo galay, inta u hartayna sako ka bixin.

Arrinta waa ra’yiga culumada qaarkood waana ra’yi wanaagsan, naxariista iyo wanaagga Islaamka uu ku caan yahay ka tarjumi.

Arrinka seddexaad: sako laguma leh nin beer cid la wadaaga, oo ayan qaybta u yeeshay gaareyn nasaab. Haddii ay – tusaale ahaan – beer timir ah, ama canab ama seytuun, ama sisin, ama beer nooc kale ah, sida galley iwm – mirahaa ay sakadu ku waajibto – ay ka dhaxeyso dhowr qof, kolkay beerta u soo go’dayna qaybsaday – qofba intiisii qaatay, wuxuu qof waliba eegi qaybta uu helay, hadday gaari qaybtiisa nasaab – shan wisiq – sako ayuu ka bixin, qofkii in ka yar nasaab ay ku soo hagaagtana sako kuma waajibto, oo laguma leh… Waxaynu horay u soo sheegnay in nasaabka beerahu ama inta hadday gaaraan ay sakadu ku waajibi tahay shan wisiq, waxaynuna niri wisiqii waa lixdan koombo qaadi afar illaa iyo afar iyo bar, mug sacabbo qof calaacalo meel dhexaad ah leh, ama qofkii miisaan heysta koomba qaadi kadha laba kiilo iyo bar shanii wisiq haddaba waa seddex boqol oo koombo, ama 750 kiilo garaam.

 

SILCADAHA IIBKA U BANDHIGAN:

Silcadaha ama badeecadda beecshurada loogu tala galay sako ayaa ku waajibta, tixraac qowlka rasuulka (SCW):

Waxaa soo wariyey al-Bayhaqi, iyo Daara-Qudni, waxaana saxay al-Xaakim.

Macnaha xadiiskana waxaa weeye: “Geela sakada ku waajibta ayaa laga bixin sidoo kale lo’da iyo dharka.”

Qowlka – iyo dharka – waxaa laga daliilsaday in waxii la mid ah oo ah wax kastoo iib u bandhigan beec shurana ah inay sakada ku waajibto, geela iyo lo’dana hadday iib u bandhigan yihiin, xoolo ahaan looma sakeynayo, balse waxaa sako looga bixin silcad iyo badeecad ahaan.

Waxaana sidoo kale daliil u ah in silcidaha iyo badeecadaha iibka u bandhigan sakadu ay ku waajibto xadiiskan Abii Daa’uud:

Macnaha xadiiskana waxaa weeye: “Wuxuu na fari jiray rasuulkii Ilaahay (SCW) inaynu sako ka bixinno silcidaha – badeecadaha – iibka u yaal.” Silcidaha – badeecadaha – iibka u bandhigan sako ku waajibimeyso in seddex sharuud la helo mooyee:

  1. Lahaansho dhan:

Oo ah inuu qofka leeyahay, milkigiisana ay ku jidho silciddaa -badeecaddaa – oo ayan deyn uusan xasilin karin iyo wax la mid ah kaga maqneyn.

  1. Inay sannad ka soo wareegtay lahaanshadaa.

  2. In ganacsi loola jeedo.

Hadduu shardi is dhimo sako kuma waajibeyso badeecadda ama silciddaa iibka u bandhigan.

Habka sakada looga bixin waxaa weeye in la eego marka hore badeecaddaa ma mid socotaa mise waa mid kayd ah. Hadday tahay mid socota ee ninka leh soo gali kana bixi, kolkuu gadaba iyadoo kale iib u keensan si uu u sii iibiyo, badeecadduna ayan muddo fadhineyn, balse uu iibin, deetana soo iibsan, si uu u iibiyo, sida dukaammada cuntada, dharka, qalabka dhismaha, qalabka cuntada iwm dadka leh carwooyinka iyo dukaammada noocaa ah, waxaa ku waajib ah inuu qiimeeyo hantida dukaankiisa taal sannadkii mar – masalan Ramadaan – bil Soon kasta. Hantida dukaanka taal qiimo ahaan intay gaari iyo lacag caddaan ah waxa u heysto ayuu isku dari, hadday gaari nasaab oo ah toddobaatan garaam oo dahab ah lacag goyn karta ama afar boqol iyo lixdan garaam oo qalin ah lacag goyn karta wuxuu ka bixin sako dhan boqolkiiba laba iyo bar dhammaan hantida dukaanka taal iyo lacag caddaan wuxuu hayo…

Haddayse badeecaddu tahay mid gaar ah ee uu ganacsadahu iibin oo keliya kolkay qiimo wanaagsan u gaadho, ee uu sicirkeeda kordho xitaa hadday sannado la jidho uusan iibineyn inuu qiimo wanaagsan ku helo mooyee, isaga oo aan ugula jeedin arrintaa cadaadinta iyo cunaqabateynta dadweynaha iyo ganacsi dulmi fal ah ayanna aheynna waxaa u kaydin raashin ama qalab dhismo loo baahan yahay si uu dadka qaali ugu iibiyo kolkay waayaan waayo arrinta waa gef iyo dulmi laga galayo dadweynaha qofkeedana uu aakhiro ka shallaayi kolkuu arko intaa malyan oo qof ee xasaanaadkiisa qaybsan, ama dunuubtoodii qaar isaga loo saarin, dulmiga uu ka galay awgeed, halka ganacsadaha aaminka ah, run sheegga, badeecaddiisa faa’iido yar ee go’an saaran, Ilaahna ka baqa uu la saf noqon maalinta qiyaamaha anbiyada, addoommada wanaagsan iyo shuhadada.

Sidaa awgeed badeecadda gaarka ah ee sidaa aan loola jeedin, laguna tala galay in la iibiyo hadday qiimo wanaagsan gaaraan ganacsadahuna uusan iibineyn xitaa hadday sannad iyo ka badan ka soo wareegto, inuu sicir wacan ku helo mooyee, sida ka mushtarka dhulalka, guryaha, xoolaha ee fardo, geel, lo’ iyo ari leh, qalabka guryaha iyo xafiisyada iwm ee uusan ganacsadahu ka shaqeyn, balse ay tahay mid u xareysan ee kayd u ah, si uu u iibiyo kolkuu qiimo wanaagsan ku helo, sakada badecadda noocan oo kale ah sida ay culumada qaar qabaan aragtidooda ayna la wanaagsanaatay, yusriga iyo fududaanteeda awgeed iyo sida ay naxariista ugu jidho, waayo waxay dhigi inuu qofka sako ka bixiyo ganacsiga noocan oo kale ah qofka leh kolkuu iibiyo, hal sano oo keliya buuna ka bixin, xitaa haday dhowr sano ay la jidhay badeecaddaa, ganacsina u bandhigneyd, taana waa hadday nasaab gaadho – 70 garaam oo dahab ah ama 460 garaam oo qalin ah lacag goyn karta ama ka badan. Wanaagga iyo rifqiga arrintaa ku jirana waxaa weeye waxaa dhici kara qof muslim ah inuu lacag u heystay guri ka bixiyo, si uu uga faa’ido, haddii qiimaha dhulka ama guryaha kor u kacaan, waxaa soo wareegi sannad isagoo aan iibin, markaa buu wuxuu dareemi dhib iyo culeys haddii sako laga dooni waayo wax lacag ah ma heysto dhaafsiisan wuxuu quudan lahaa, markaa buu dhib iyo culeys dareemi, saa wuxuu sako kaga bixiyo ma heystee badeecaddaa inuu faa’iido ka helo uu doonayey.

Marka waxay wanaagga ku jidhaa in fursad la siiyo illaa uu ka iibiyo silcaddaa ama badeecaddaa, xitaa hadday dhowr sano ku qaadato, hadduuse iibiyo isla markaa buu sako ka bixin muddo dhan sannad oo keliya, waayo haddaynu niraahno sako ka bixii sannadahii oo dhan, waxaa dhici kara inuu ribixii u helii lahaa iyo ka badanba ay sakadu la tagto, waxii waxeelleyn qofkana islaamku ma qirayo, oo ka mid ah islaamka.

Waana inaynu ogaannaa inayan jirin arrin Kitaabka ama Sunnada ku soo aroortay ee mas’aladan si gaar ah uga hadli, ama laysku raacsan yahay ee mowqaf keliya laga qaatay.

Hadduuse qofka muslimka ahi awoodo inuu sannad kasta sako ka bixiyo, waa sida wanaagsan, kheyrkuna ku jiro, qofkana darajo adduun iyo mid aakhiro ku heli, iyo Ilaahay subxaanahu watacaalaa raallinnamadiisa, sakada uu qofka iski u gartana iyadoo ayan ku waajibin cirib wanaagsan ayey u yeelan qofka adduun iyo aakhiraba, qayb ka mid ah xadiiskiina waa tuu ahaa:

Oo macnaheedu yahay: “Inay cidda leh ay iyaga doonaan sidaa mooyee.”

Qofkuna hadduu badeecadda ama silciddaa qiimaha wanaagsan uu ku doonayey durbaba uu iibiyo, isla markaa buu sako ka bixin oo lama dhowrayo sannad. Sakada ku waajibtana waa boqolkiiba laba iyo bar, sida sakada dahabka, qalinka iyo lacagta.

Tusaale ahaan qof baa wuxuu ku iibiyey guri lacag dhan Shilin Soomaali 8,000,000 (siddeed milyan) wuxuu ka bixin sako ahaan lacag dhan Sh. So. 200,000 hadduu gurigaa ku iibiyo bil gudaheed, ama ay iibintiisu ku qaadato shan sannadood.

 

Deymanka :

Deyn waa waxa qofka lagu leeyahay lacag ama badeecad ah iwm muddo go’anna loogu qabtay soo celinta iyo gudidda deenkaa amaba aan loogu qaban. Siduuna qofka muslimka ah deymesane u noqon karo buu deyn u yeelan karaa.

Sidaa awgeed qofka deynta leh kolkuu sannadka dhammaado, sida bil Soon kasta- ayuu wuxuu eegi wuxuu badeecad heysto iyo lacag caddaan ah, iyo deymaha uu dadka ku leeyahay, hadday yihiin deyman ay iska gudi karaan dadkaa uu ku leeyahay, iyaguna ay qirsan yihiin, wuu ku tirin hantida uu heysto sakana dhammaantood ka wada bixin,- badeecadda, lacagta caddanka ah ee u heysto iyo deymahaa uu dadka ku leeyahay awoodda inay iska bixiyaan, qirsanna. Hadduuse deymahiisa uusan rajo ka qabin inuu helaa, ama mugdi badan uu kaga jiro xasilintiisa, sida inuu qofka uu ku leeyahay uu yahay sabool aan iska bixin karin, wax dhaqaale ahna aan laheyn, ama cidda uu ku leeyahay deynka ayan qirsaneyn, balse ay inkirsan yihiin ama ay ka sagasaagayaan bixinta deynta lagu leeyahay. Markay arrintu sidan oo kale tahay qofkaa wuxuu deynkaa mugdiga ku jiro uu sako ka bixin kolkuu qofkuu ku lahaa ka helo, wuxuuna bixin sako muddo sannad ah, xitaa haddii dhowr sano deynkaa la qabay, waxayna arrintaa kala mid tahay ganacsiga iibka wanaagsan u xayiran.

Qofkase deymeysanaha ah kolkuu sannad dhammaado ayuu wuxuu eegi waxa lacag, dahab, qalin iyo badeecad gacantiisa ku jira ee isagu leeyahay, kaddib wuxuu tirin deymanka lagu leeyahay, iyadaa ayuuna bixin ugu horreyntii, kaddibna wuxuu eegi hantida u hartay intay la eg tahay, hadday sako ku waajibto macnaha nasaab ay gaari ama ka badan, sako ayuu ka bixin, haddayan nasaab gaareense, sako laguma leh. Tusaale ahaan qof muslim ah ayaa wuxuu heystaa, leeyahayna afar boqol oo kun oo shilin, xoolna – sannad – ka soo wareegay, waxaase lagu leeyahay deyn dhan afar boqol oo kun ama ka badan, qofkaa sako laguma leh…

Hadduuse heysto leeyahayna lacag dhan seddex boqol iyo soddon kun, laguse leeyahay deyn dhan shan iyo toban kun, wuxuu ka jari deynkaa lacagta uu heysto, oo waxaa u hari seddex boqol iyo shan toban kun, sakana ka bixin, shan iyo tobanka kunse sako kama uu bixinayo, waayo cid kale baa leh oo isagu ma leh, cidda leh baana sako ka bixin kolkay gaadho lacagtaa ama ka horba.

Taana waa hadday nasaab gaaraan lacagtaa deynka kaga maqnaa iyo tuu heysto.

Horayna waxaynu u soo xusnay in lacagtu hadday gaadho qiimaha ay joogaan toddobaatan garaam oo dahab sakadu markaa ku waajibi, haddayse gaareyn qiimo taddobaatan garaam oo dahab ah, ama afar boqol iyo lixdan garaam oo qalin ah sako ma leh in cidda leh ay iyagu iskood u gartaan inay sako ka bixiyaan hantidooda mooyee, inkastoo ayan nasaab gaareyn, arrintaa oo ah arrin aad u wanaagsan, qofkiisana uu abaal iyo deeq Allaah ku heli…

 

Fiirooyin gaar ah:

Arrinka koowaad: Mas’aladda sakada deymaha khilaaf dheer baa ka jira madaahibta dhexdooda waxaynu arrintan ka qaadannay mad-habka Maalik waayo wuxuu arrimahan daliil uga dhigtay camalkii Cusmaan bin Caffaan Ilaahay ha ka raalli noqdee, iyo camalkii Cumar bin CabdulCasiis – Ilaahay ha u naxariistee, ku dayashada madaxdii hanuunsaneyd ee Islaamka ayaana ka kheyr badan inaynu qowl ra’yi ah qaadanno.

Arrinka labaad: Haddii uu qofka muslimka ahi deyn ku leeyahay ruux sabool ah, sako ahaan intuu u niyeysto kama cafin karo, waayo faqiirkaa wuu liitaa mana iska bixin karo deynkaa, sidaa awgeed ruuxa deynta leh lacagtaa ma aha lacag uu heysto ee gacantiisa ku jidha, balse waa mid ka maqan, mugdi badan uu ku jiro helitaankeeda, waxaynu horay u soo sheegnay in sharuudda sako bixinta ay ka mid tahay milkasho taam ah, qofna sako kama bixin karo hanti uusan heysan, inuu helina ka war qabin, sidaa daraaddeed deynkaa oo kale sako kama bixinayo tan iyo intuu ka heli deymeysanaha, xitaa hadday dhowr sano ku maqnaato, kolkuu ka helana sannad keliya sako dhan buu ka bixin, taana waa hadday nasaab qiimaha deynkaa ay gaari.

 

 

MAALKA IYO DAKHLIGA DADKA SOO GALA.

Waxaana loola jeeda hantidaa qofka Muslimka ka soo gala dhaxal, hibo, deeq, shaqo, kireyn gaadiid, kireyn guri ama dukaan, ama dhul, mishahaar iwm.

Miyaa sako laga dooni hantidaa? Ma xool – sannad – inuu ka soo wareegaa la dooni? Mise xool iyo muddo gaar ku ah ee sako laga bixin ayey leeyihiin?

Jawaabtuna waxaa weeye:

Maadaama maalkaa qofka soo galay dahab, qalin, ama lacag tahay sakaa ku waajibta, waayo sakadu waxay ku waajibtaa dahabka, qalinka, lacagta waxa iibka u bandhigan, xoolaha, iyo miraha beeraha iwm.

Sidaa awgeed qofkay lacag soo gasho, ka soo gasho dhaxal, deeq, kiro, shaqo uu hayo, waa inuu sako ka bixiyaa kolkuu sannad dhammaadaba – sida bil Soon kasta – tusaale ahaan- ama qofkaa hadday lacag kale meel u taal, sannadna ka soo wareegay, wuxuu isugeyn lacagtaa sannadka ka soo wareegay iyo tan shaqada iyo waxa la midka ka soo gashay, sakana ka bixin hadday nasaab gaaraan.

Qofka Muslimka ahina hadduu maal dhaxal, deeq, shaqo, ama kiro guri, gaadiid ama dhul iwm ay ka soo gasho wuxuu ka biili naftiisa, ehelkiisa, saddaqana kala bixi, kolkuu sannad soo wareegana, ayna u soo haraan hanti nasaab gaari, sako ayuu ka bixin, haddayse jiraan maal kale uu horay u heystay sannadna ay ka soo wareegtay, maalkan dambena uu soo galo wuu isugeyn sakana ka bixin, lamana sugayo inay lacagta dambe xool – sannad uu ka soo wareego, sida uu Abuu Bakar – Ilaahay ha ka raalli noqdee – yeeli jiray tusaale ahaan qof baa waxuu heystaa lacag dhan 315,000 oo Shilin, sannadna ay ka soo wareegtay heysashadiisa, miishaarna soo qaatay ama kiro, deeq iwm dhan 35,000 oo Shilin, wadartooda waa 350,000 oo Shilin, markaa 350,000 oo Shilin buu wuxuu ka bixin sako dhan baqolkiiba laba iyo bar, macnaha sako ahaan wuxuu uga bixin lacag dhan 8,750 oo Shilin Soomaali ah.

Haddii ay qofka Muslimka ah – tusaale ahaan – bishii soo gasho mishaar ama kiro ama deeq dhan 5,000 oo Shilin, ama Doollar ama Riyaal, ama ka badan ama ka yar, kolkuu sannad dhammaado tusaale ahaan – bil Soon kasta – ayuu wuxuu eegi lacagta uu heysto iyo intay dhan tahay hadday nasaab gaari – qiimo goyn karta toddobaatan garaam oo dahab ah, ama 460 garaam oo qalin ah – sako ayuu ka bixin dhan boqolkiiba laba iyo bar, haddayanse nasaab gaareyn sako laguma leh. Waana inay dadka ogaadaan inay jiraan culumo tiri nasaabka dahabka waa 85 garaam, qalinkana 595 garaam; taqdiirtaa laysku khilaafayna sababteeda waxaa weeye kala duwanaanta miisaanka la adeegsaday, ama kala roonaanta miraha sareenta ee qaddarinta loo adeegsaday. Hayeeshee taynu doorrannay baa shaki bax ah, saboolkana udoor roon.

 

SAKADA LACAGTA:

Waxaynu ula jeednaa lacagaha kala duwan sida Doollaarka, Faranka, Riyaalka, Dirhamka, Geniga, Shilin Soomaaliga iwm ee hadda la isticmaalo halkii Diinaarkii dahabka ahaa iyo Dirhamkii qalinka ahaa ee wax lagu kala iibsan jiray waqtigii rasuulka (SCW).

Maadaama ayna arkaan jamhuurta fuqahada in dahabka iyo qalinka laysu geeyo, ee dahabka qalinka loo geeyo, qalinkana dahabka loo geeyo, si loo eego inay nasaab gaari haddii laysku daro iyo in kale, hadday nasaab gaarina mid inta laga soo qaado – kolka laysu geeyo kaddib – sako laga bixiyo, tusaale ahaan qof baa leh 60 garaam oo dahab ah, iyo qalin udhigma, laqiima ahna 10 garaam oo dahab ah, marka qofkaa wuxuu ka soo wada qaadi 70 garaam oo dahab ah… kaddibna ogaan qiimaha lacageed ee 70 garaam. Haddii la yiraahdc qiimahooda waa 315,000 oo Shilin ka bixin sako dhan Sh.So. 7,875 (boqolkiiba laba iyo bar). Wax diidayana ma jiraan inuu qofka lacagta uu heysto dahab ku qiimeeyo ama qalin, kaddibna sako ka bixiyo hadday nasaab gaari, hadduu nasaabka dahabka yahay toddobaatan garaam sidaynu horay u soo sheegnay, qofuna uu heysto hanti qiimo ahaan dhan toddobaatanka garaam ama ka badan wuxuu ka bixin sakada laga dooni oo kale kaa dahabka nasaab gaari heysta ama ka badan, waana sidoo kale qalinka, nasaabka qalinka waa 460 garaam, qofkii heysta 460 garaam oo qalin ah iyo ka badan ama lacag goyn kadha sakada ku waajibta ayuu isagana ka bixin oo ah (boqolkiiba laba iyo bar).

Iyadoo aynu ogsoonnahay in qofka dahabka heysta ama qalinka ay yihiin wuxuu sako ahaan u bixinayo hadba lacagta dalkaa laga isticmaalo, oo dahab ama qalin ma bixinayo – sida qaalibka ah, iyadoo wax diidi ayan jirin hadduu dooni inuu isla ceyntooda sako ahaan u bixiyo.

Sidaa awgeed qofkii muslim ah ee heysta lacag-sannad uu ka soo wareegay – doonayana inuu ogaado lacagta uu heysto inay sako ku waajibto, iyo in kale, wuxuu u tegi dahablaha, weydiinna qiimaha toddobaatan garaam oo dahab saafi ah, ama afar boqol iyo lixdan garaam oo qalin ah, kolkuu u sheego dahablaha qiimahooda ayuu wuxuu qofkaa eegi in lacagta uu heysto ay dhan tahay intuu dahablahu sheegay iyo in kale, hadday dhan tahay waa inuu sako ka bixiyaa dhan boqolkiiba laba iyo bar, hadday ka yar tahayse sako ma leh, inuu qofka isagu iski u garto mooyee.

Waxaana la dooni inay dadka ogaadaan in nasaabka lacagaha waraaqaha ah ay sannad waliba is beddeli karaan, waayo sicirka dahabka ayey la socdaan. Waana inay dadku arrintaa fiiro gaar u yeeshaan, gaar ahaan culumada, oo ayan cuskan, tixraacinna qiimo hore, sida in la yiraahdo nasaabka lacagta waa 200 oo Shilin Soomaali ah, taana waa khalad, waayo hadday qiimaha 70 garaam oo dahab aheyd 200 Shilin, 200 sano ka hore, isla heerkii maanta ma taagna, Ilaah baana xog-ogaal ah.

 

CUTUBKA LIXAAD: AYAA LA SIIN SAKADA?

Ehlu sakada waa qolooyinka sakada mudan ee la siin, Ilaahayna isaga ayaa naf ahaantiisa ku biyaamiyey oo magaacaabay dadkaa, wuxuu yiri sarreeye Ilaahay:

Wuxuu Ilaahay magacaabay siddeed qolo:

Qolada 1aad: fuqarada, waana kuwa saboolka ah ee aan dhaqaale heysan, dakhlina laheyn marka hadduusan qofka heysan wuxuu ku biilo naftiisa iyo ehelkiisa waa faqiir sakada mudan.

Qolada 2aad: masaakiinta, waana kuwa dakhli iyo dhaqaale aan ku filneyn leh marka waxaa loo dhammeystiri kuwaa in baahidooda oodda, hadduusanse qofka heysan wax lacag ha yeehee leeyahay il dhaqaale sida shaqo ama mishaar ama daneysi in ku filan oo dakhli ah soo gelin markaa lama siinayo oo ma mudna.

Tixraac qowlka rasuulkii Ilaahay (SCW):

Macnaha xadiiska waxaa weeye: “Qayb kuma leh cid dhaqaale ku filan leh ama qof xooggan oo shaqeysta.”

Qolada 3aad: Qolooyinka u xilsaaran ururinta sakada, waana kuwa uu u xilsaaray imaamka muslimiinta inay hantileyda ka soo ururshaan oo ay siiyaan qolooyinka mudan ama dhowrista sakadaba iwm marka waxaa sakada laga siin qaddar la eg hadba inta howshoodu tahay, xitaa hadday maalqabeen yihiin.

Qolada 4aad: kuwa qalbigooda la abaabin, imaankoodana kor loo soo qaadi, sida cid sha’ni iyo makaanad weyn ku leh bulshada, hayeeshee aan iimaan xoog leh lahayn, sakada ayaa wax laga siin si iimaankooda u xoogoobo markaa bay waxay noqon qolo diinka Ilaahay dadka ugu yeera, iyo tusaale lagu daydo. Hadduuse qofka yahay mid Islaamkiisu daciif yahay, hayeeshe uusan ka mid aheyn qoladaa aynu soo sheegnay, balse uu ka mid yahay dadweynahaa, miyaa la siin sako si iimaankiisa u xoogooba?

Waxay culumadu qaar arkaan, qabaanna in la siinayo waayo maslaxadda diinta ayaa ka weyn tan oogada wakaa faqiirka sakada wax laga siin si loo haqabtiro baahida jirkiisa, sidaa awgeed haqabtirka baahida qalbigiisu u qabo iimaan ayaa weyn waxtar badanna. Culumada qaarna waxay qabaan inaanan la siineyn uusanna sakada mudneyn, waayo danta ka ratibmi xoojinta iimaankiisa waa dan gaar ah, qof keliya ku kooban.

Qolada 5aad : kuwa la qoor furi, waxaana soo geli iibsashada iyo madax furka muslimiinta addoomo ahaan loo heysto iyo xureyntooda – iyadoo sakada laga bixin iyo kaalmo u fidinta mukaatabiinta is qoor furi iyo lacag ku furashada maxaabiista Muslimiinta ay cadowga Islaamka dagaal ku qabsadeen.

Qolada 6aad: deymeysanayaasha, haddayan heysan waxay deynta isaga gudaan, kuwaa iyaga ah waxaa sakada laga siin qaddar dhan ee ka gudi kadha deynta lagu leeyahay ama ha yaraato deyntaa ama ha badnaatee, xitaa hadday isaga filan yihiin xagga quudka – biilka – tusaale ahaan, hadduu jiro qof leh il dhaqaale ay ka soo galaan biil ugu filan quudinta naftiisa iyo reerkiisa, hayeeshee lagu leeyahay deen uusan awoodin inuu iska gudaa, waxaa laga siin sakada wuxuu deynkaa isaga gudo mana bannaana inuu qof uu ka rido kana daayo deyn uu qof ku leeyahay, sako ahaanna u niyoodo, waayo waa hanti aan gacantiisa ku jirin.

Waxaana la dooni qofkaa deenkaa laga bixin, inuu yahay deenka uu qabo miduu ujeeddo iyo hadaf sharciga waafaqsan uu u galay, sida deyn uu naftiisa iyo ehelkiisa ka biilay, ama dad colaadi dhex taal uu ku heshiisiiyey iwm.

Culumaduna way isku khilaafeen hadduu deymeysanahu yahay wiil la dhalay ama waalid, miyey sakadu ku baxdaa si uu isaga gudo deynka lagu leeyahay?

Jawaabta toosanna waxaa weeye inay bannaan tahay. Wayna u bannaan tahay qofka sakada bixin inuu aado qofka xaqa leh uuna siiyo xaqiisa – deymeysanaha oo aan ka warqabin – taana waa hadduu qofka sakada bixin ogsoon yahay inuusan deymeysanahaa iska gudi kareyn deynkaa.

Qolada 7aad: inaad kor ka yeelidda magaca Ilaahay sakada u bixiso oo ah halganka iyo jihaadka loogu jiro Ilaahay darti iyo inuu diinkiisu kor ahaado, sidaa awgeed waxay sakadu ku baxdaa oo la siin mujaahadiinta u dagaalamaya Ilaahay darti, sidoo kale waxaa maalka sakada laga iibin qalabka dagaalka ay adeegsanayaan mujaahidiinta u halgama siday kor u ahaan laheyd kalmadda Ilaahay, kitaabkiisana wax loogu xukumi lahaa iyo sunnada rasuulkiisii (SCW) garsoorna looga dhigan lahaa. Waxaana ka mid jidka iyo sabiilka Ilaahay barashada aqoonta waxtarka leh ee waafaqsan sharciga Ilaahay, sidaa awgeed baa waxaa la siin qofka cilmi doonka ah sako ahaan qarash u suurageliya raacashada cilimiga iyo waxbarashada, sida iibsashada kutubta iyo qeyrkood, taana waa hadduusan heysan dhaqaale arrintaa u suura geliya ee uu sabool yahay. Sidoo kale waxaa sakada la siin daaciga dadka diinta ugu yeera, hadduusan dakhli laheyn, si uu ugu faro marnaado fidinta diinta nolosheenna ah.

Qolada 8aad: jid-hayaha oo ah qofka socdaalka ahi ee waxii uu ku safri lahaa ay ka go’een, waxaa la siin saka ahaan dhaqaale – qarash – dalkiisii gaarsiiya, waase inuu safarkiisu yahay safar bannaan, ee aan macsi la xiriirin, Allana iyo rasuulkiisa uusan ku khilaafeyn, yahay safar sharciga Ilaahay waafaqsan.

Intaynu soo sheegnay weeyaan qolooyinka sakada mudan Ilaahay kitaabkiisa ku xusay, inoo sheegayna inay fariido tahay iyo xil uu ina saaray, innaguna waajib yeelay, cilmi iyo xigmadna ku fadhida, Ilaahayna waa Caliim – aqoon u saaxiib ahaaday – Xakiim – wuxuu amraa ay xigmad ballaaran salka ku heyso. Mana ay bannaana in waxaan aheyn intaynu soo xusnay sakada lagu bixiyo, sida dhismaha masaajidda iyo hagaajinta waddooyinka, waayo Ilaahay subxaanahu watacaalaa waa u tilmaamay xusayna qolooyinka mudan, isagoo iyaga keliya ku koobay. Koobidda noocaa ahna waxay muujin inayan cidaan qolooyinkaa la magaacabay aheyn ayan mudneyn in sakada la siiyaa.

Haddaynu dhab u eegno oo aynu ka fakarno jihooyinka aynu niri sakada way ku baxdaa, waxaynu arki inay labo qaybood yihiin.

Qayb sakada u baahan, iyo qayb ay iyagu muslimiintu u baahan yihiin, arrintan waxay inoo muujin xigmadda weyn ee ku dheehan sakadaa Ilaahay innagu waajib yeelay iyo in ujeeddada ka dambeysaa ay tahay dhismo bulsho dheella tiran, is heysata, isku duuban, bulsho dan wadaag ah, dareen qura wadaaga, gacaltooyo iyo maxabbad ay ka dhaxeyso iskaashi iyo kaalmo isu fidin. Islaamkuna kama daryeel la’aan oo ma xadeyn wax soo saarka qofka fardiga ah iyo lahaanshada gaar ahaaneed isla markaana hoggaanka uma sii deyn dadka cudurka mudulnimada iyo laxa jaclada qaba, oo ma siin xurriyadda inay naftooda u hoggaansamaan iyo hawadooda baadilka ah.

Islaamkuna waa hanuunshaha, hagaagshaha ku hoggaamin ummadaha kheyrka Ilaah, una hibeyn barwaaqo iyo baraare, mahaddana Ilaah baa leh barbaariyey cid iyo wax kastoo uunka jira…

 

Cutubka Siddeedaad: Sakaatul Fidriga

Sakaatul Fidriga waa fariido uu farad yeelay rasuulkii Ilaahay (SCW), kolkuu Ramadaanka dhammaadana la bixiyo, waana mahdin Ilaahay looga xamdi noqi galladdaa waafijinta ah ee uu qofkaa muslimka ahi waafajiyey soonka, ka qayb galka salaadda taraawiixda iyo qiyaamkaa barakeysan.

Sakaatul Fidrigu waa camalka uu qofka ku khatimayo bisha Soon, isagoo Ilaah ka rajeyn deeqdeeda iyo abaalkeeda, waana sadaqo uu ku taageeri walaalki muslimka ee saboolka ah, si uu ugu deeqtoomo inuu cid wax weydiisto maalinta iidda, ayaantaa farxadda muslimiinta ahna si wanaagsan uu u iido.

Wuxuu Ilaah ku farad yeelay Sakaatul Fidriga qof kastoo muslim ah, lab, dheddig, saqiir, kabiir.

Waxayna ku waajibtaa qofka muslimka ah iyo inta uu mas’uulka ka yahay quudintooda ee xaas, caruur iyo boy leh – adeegayaal – waxaana inoo caddeeyey qaddarkeeda rasuulkii Ilaahay (SCW) sida ku soo aroodhay xadiiska Ibnu Cumar – Ilaahay isaga iyo aabbahiba ha ka wada raalli noqdee:

Qaddarka Sakaatul Fidriga waa koombo qaadi afar iyo bar mugga sacabbo ruux calaacalo meel dhexaad ah leh, ama laba kiilo iyo bar. Waxaana sako ahaan loo bixin quudka qaalib ahaan laga quuto dalkaa, sida bariiska, galleyda, massagada, timirta, sareenka iwm.

Qofkana waxaa u kheyr badan, u wanaagsanna inuu quudka kiisa wanaagsan ee nafciga badan leh faqiirka u dooro.

Wuxuuna yiri Abii Saciid al-Khudriyi – Ilaahay ha ka raalli noqdee:

Macnaha xadiiskuna waxaa weeye: “Waxaynu u bixin jirnay Sakaatul Fidri ahaan, xilligii rasuulka (SCW) saac – koombo labo kiilo iyo bar qaad ah – cunto ah, cuntadayadana waxay aheyd sareen, zabiib, caano fadhi ahoo la qallaliyey iyo timir.” Waxaa soo wariyey al-Bukhaari.

Sidaa awgeed lacag looma bixin karo Sakaatul Fidriga, ama gogol, ama dhar iwm haddii ayse suuroobi weydo inuu qofkaa quud la quuto uu bixiyo, aad u adkaato, daruurad iyo ka fursan waa wuxuu u bixin karaa lacag, halkii cuntada, si ayan u joogsin fariidadaa…

Waqtiga ugu wanaagsan in la bixiyo Sakaatul Fidrigana waa inta u dhaxeysa salaadda Subax iyo salaadda Ciidda wayna bannaan tahay inuu qofka bixiyo maalin ama laba maalmood ka hor dharaarta Ciidda.

Waxayna waajibtaa Sakaatul Fidriga habeenka ay ciiddu soo geli, salaadda Ciidda dabadeed qofkii bixiya waa u sadaqo. Tixraac xadiiskan Sunanta ku yaal:

Macnaha xadiiska waxaa weeye: “Wuxuu nebigu -NNDHA- u waajib yeelay Sakaatul Fidriga inay ka daahiriso qofkii soomanaa waxii laqwi ka dhacay iyo haasaaw iyo in la quudiyo masaakiinta, qofkii baxsha salaadda ciidda ka hor waa u sako, qofkii salaadda ciidda kaddib baxshaana waa u sadaqo sadaqaadka ka mid ah.” Waxaa soo wariyey Abuu Daawuud iyo Ibnu Maajah.

Waxaana xaaraan ah in dib looga dhigo Sakaatul Fidriga maalinta Ciidda inay daruuf iyo dan kuu geyso mooyee. Tixraac qowlka rasuulka (SCW):

Macnaha xadiiska waxaa weeye: “Ka deeqtoonsiiya maanta -masaakiinta ayaa loola jeeda iyo fuqarada muslimka ah – inay cid wax weydiistaan.”

Sidaynu horay u soo xusnayna way bannaan tahay inuu qofka Sakaatul Fidriga bixiyaa maalin, labo, iyo seddex cisho ka hor. Tixraac xadiiskan Maalik:

“Waxaa Naafic laga soo xigtay in Ibnu Cumar – Ilaahay ha ka wada raalli noqdee isaga iyo aabbahiba: “Uu u diri jiray Sakaatul Fidriga qofka laysugu ururin labo ama seddex cisho ka hor.”

 

YAA LA SIIN SAKAATUL FIDRIGA?

Waxaa leh Sakaatui Fidriga oo la siin fuqurada iyo masaakiinta, tixraac xadiiska:-

Ha yeeshee waxaan u soo jeedin lahaa qof kastoo dooni inuu diinka iyo kalmadda Ilaahay ee kor ahaato in sakada iyo Sakaatul Fidrigaba degmo kasto ay isugu ururiyaan kooda ugu diin dhowrid badan, aqoon iyo camal fal ahaanba, si uu isaguna ugu sii gudbiyo qolooyinka mudan ee diinta Ilaahay ku wanaagsan si Islaamka laga tagay loogu soo noqdo, dadkana diinta loogu sheego, naar iyo naclad Eebbe looga badbaadiyo.

Waana in laga dhowro sakada iyo Sakaatul Fidriga cid kastoo qabuuraha iyo mootida caabudda sida kuwa anbiyada iyo awliyada mootan barida, ama cidaan Ilaahay aheyn, ama sharad u galo, ama qofka sheegtay inuu ka warqabo waxaa dhici, ama kuwa sixirka dhiga, ama ku dhaqma, ama matukadayaasha ama kuwa dejiya, soo saara, sharci aan kii Ilaah aheyn iyo sunnada rasuulkiisii (SCW) ama banneeya xukun aan kii Ilaahay aheyn iyo rasuulkiisa, ama ka raalli noqdo, ama danuubta banneysta, ama Ilaahay, rasuulkiisa iyo mu’miniinta kujees jeesa, sida kuwa ku jees jeesa dumarkaa Ilaah u hoggaansamay ee oogadooda asturtay, xijaabkii Ilaahay faray qaatay, xishoodka iyo xushmadda weheshaday, diidayna inay qaadaan dhabbaha dumarka qiimaha jaban ee xishoodkii tuuray, diraca, maryaha gaaban iyo qaawanaan ku suuq wareegay, ragga isu bandhigi, naftooda iyo qeyrkood fitneyn, Rabbi iyo rasuulki caasiyey, doortay in naarta jahannamo xaabo looga dhigo iyo inay dumarka gaalada la mid noqdaan.

Ama ku jeesjeesa dhallinyaradaa Ilaahay mideeya, u hoggaansan, muwaxidiinta ah, musalliinta, garka aan xiiran – maadaamuu rasuulka amray inaan la xiiran, Rabbina ina faray inaynu rasuulka raacno, gar xiiridduna ay xaaraan ka tahay qofka Muslimka ah, tixraac xadiiska:

Ama dhallinyaradaa surweellada ama toobabka ay xiran yihiin aan qoobabka ka shishe marin waayo ninka Muslimka ahi waa ka xaaraan inuu dharka uu xiran yahay qoobabka ka shishe mariyo, tixraac qowlka rasuulka (SCW):

Dumarkaana la faray inay dheereystaan dharkooda si ay cagahooda u qariyaan.

Haddase – walaa xowla walaa quwata illaa billaah – raggii ay dheereysteen, dumarkiina ay gaabsadeen…

Sidaa awgeed dadkaa ku jees jeesa ehlu diinka waa in laga dhowraa sakada iyo kuwa qabuuraha barya iyo kuwa aan soo xusnay oo dhan ee salaadda aan tukan ama mootida barya inkastoy tukadaan iwm. Sakada kuma baxdo iyo Sakaatul Fidriga waayo nasuusta Qur’aanka iyo Sunnada rasuulka gaalnimay ku xukumeen qofkii la yimaada arrimahaa, haddii looga digay, qofkuna ku madax adeegay.

 

LABO MAS’ALADOOD:

MASA LADA KOOWAAD:

Way bannaan tahay in Sakaatul Fidir qof keliya leeyahay loo qaybiyo laba miskiin ama ka badanba.

Sidoo kalena way bannaan tahay in dhowr Sakaatul Fidir miskiin keliya la siiyo, waana mad-habka jamhuurta.

MAS’ALADA LABAAD:

Way ka dhici oo lagama doonayo Sakaatul Fidriga ruuxa aan heysan in ka badan wuxuu maalintaa iidda biilan lahaa isaga iyo reerkiisa waxayna ku waajibtaa ruuxii heysta wuxuu ku biili lahaa naftiisa iyo reerkiisa maalinta iidda iyo ka badan.

 

Gunaanadka kitaabka waxaan ugu yeerayaa walaalahay Soomaliyeed meel kasta ay joogaan, inay aad ugu dadaalaan barashada diinta, xayaatadoodana saldhig ugu dhigaan.

Haddaad nolol adduun iyo mid aakhiro dooni, dagganaan, kheyr, nuur iyo naruuro leh, Ilaahay Kitaabkiisa baad ka heli.

Waxaan ugu yeeri walaalahay Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan inay goobta Islaamka dhab u galaan, oo ayan debedda ka tagnaan, xusuusinna qowlka sarreeye Ilaahay:

Macnaha guud ee aayaddana waxaa weeye: “Kuwa Eebbe rumeeyow wada gala Islaamka uu qofka kaga nabad geli xumo oo idil – sharafta iyo qiimahana uu ku helayo adduun iyo aakhiraba, si dhanna u qaata idinkoo wada fulin dhammaan awaamirta xagga Rabbigiin idiin kaga timi iyo rasuulkiisii (SCW) oo ha raad raacina sheydaanka, waayo waa idin cadow daran.”

Qofkii doonayana inuu amarka iyo yaboohaa Ilaahay u hoggaansamo wuxuu ku dadaali, u dheereyn barashada sharciga Ilaahay iyo sunnada rasuulka (SCW) daahirka ah iyo dhaqan-gelintooda, qofka aan hoggaansaminna cidaan naftiisa aheyn wax yeeleyn mahayo.

 

Wuxuu yiri sareeye Ilaahay:

Macnaha guud ee aayaddana waxaa weeye: “Waxaad tiraahdaa – nebi Maxamed ayaa lala hadli – kuwa hoogay ee ba’ay, khasaaray guul darrada ku dhacday waa kuwa naftooda ku waayey iyo ehelkoodaba naarta, in cadaabtaa loo kaxeeyana la amri maalinta Qiyaamaha, taana weeyaan khasaarada weyn ee aan laga soo waaqsaneyn.”

 

Waxaan Ilaah ka baryi inuu ina waafajiyo, ina barana cilmiga kiisa nafaca leh, iyo ku camalfakiisaba iyo inuu innaga aqbalo acmaashayada aynu isaga keliya kaga abaal dooni, nabad iyo naxariisna dushiisa ha haato nebigeennii Maxamed, ehelkiisii, asxaabtiisii, iyo cid kastoo xaqa ku raacday…

Sifada Salaadda Nabiga

Tusmada Kitaabka

Hordhac
Ahmiyadda salaadda iyo meeqaankeeda
Waqtiyada salaadaha faralka ah
Waqtiyada aan la tukan karin (meydkana aanay bannaaneyn in la aaso)
Waqtiyada reebban in la tukado salaad sunno ah
Shuruudaha salaadda
Inta rakcadood ay salaaddu ka koobanto
Ujeeddada qarsoon ee salaadda
Aadaan – lqaamah
Wuduu (weesada)
Masaxidda iskaalsaha
Qusul (Qubeyska lays faray)
Xaydka (Dhiigga caadada dumarka ah)
Dhiigga dhalmada (Nifaas)
Hab tukashadii Nabi Muxammad (S.C.W.) iyo Sifadii salaaddiisa
Ducooyinka iyo wardiyada lala yimaado marka laga baxo salaadaha faralka ah oo la salaamo naqsado
Qavbaha iyo xubnaha Salaadda iyo xukunnadooda kaladuwan
Tiirarka Salaadda ay la’aantood salaadi ansaxeyn
Waajibaadka Salaadda
Sunanka Salaadda
Waxyaabo aan ku habbooneyn Salaadda oo karaahiya ah
Waxyaabaha buriya Salaadda
Waxyaabo ku habboon inaad la timaaddo marka aad tukanaysid
Waxyaalaha kuu bannaan ee aad ku sameyn karto salaadda gudaheeda
Salaadda Janaazada (sida loogu tukado qofkii muslim ahoo dhinta iyo habkeeda)
Mas’alooyin iyo weydiimo ku saabsan dahaarada iyo salaadda ruuxa buka ama dhaawaca ah
Salaadda qofka safarka ah


HORDHAC

Ammaan iyo Mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan, Caadilka, Falka San. Kaa oo siiya Galladda iyo Naxariistiisa kii kastoo adeeca, una Carooda oo Ciqaaba kii kastoo caasiya, waa Deeqtoonaha Awoodda Badan ee loo Baahanaha ah la muto, Mahad iyo Ammaan idilkeed Isagaa leh Ilutnaa oo Weynaaye. Isaga wceyaan Kan dadka kala saaraya ee xukunka leh. maamulka iyo mulkiga iyo iyo amarka iyo ahaal marinta. Waana Isaga Kan aan u noqoneyno.

Waxaan qirayaa oo ka marag kacayaa inuusan jirin llaah xaq ah Allaah maahee. Waa Isaga Kan u xilsaaray muslimiinta waajibka shanta salaadood ee faralka ah. oo ka soo faray toddobada sama ¬korkooda inay dhowraan salaadda.

Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:

“Dhowra salaadaha iyo salaadda dhexe oo istaaga Allaah horti idinkoo adeecsan.” Suuradda Al-Baqara: Aayadda 238.

Waxaan qirayaa oo ka marag kacaya oo kale in Muxammad yahay Rasuulkii Ilaahay. kan u wanaagsanaa caabudayaasha, iimaamka inta Ilaahay ka cabsata. sayyidka mursaliinta Ilaahay soo diray. Intaa kaddib:

Kani waa kitaab kooban oo ka hadlaya Salaadda waxaan qoray markii aan arkay baahida deg degga ah ee loo qabo. Waxaan ka arkay jaceyl iyo dadaal lagu farxo oo ammaan mudan rag iyo dumar wiilal iyo gabdho, oo ila soo xiriiray, oo jaceyl u hayo barashada diiinta xaqa ah, Islaamka, Risaaladii iyo Fartiintii u dambeysay ee ka timaadda xagga Ilaahay. Kuwaa oo baahi u qaba inay gutaan waajibyada iyo xilalka Ilaahay saaray ay salaaddu u horreyso, salaadda oo ah tiir dhexaadka Islaamka. Salaadda uu Allaah ka yeelay calaamadda lagu kala saaro gaalka iyo muslimka.

Runtii, dad badan baa waxay jecel yihiin inay u laabtaan Rabbigood. gutaanna waajibka iyo xilalka uu saaray ay Salaadda ugu horreyso. ha yeeshee ay ka hor joogto jahli iyo aqoon la’aan la xiriirta sida u wanaagsan ee lagu gudan karo.

Dad badan baa ka xishoonaya inay arrintaa soo bandhigaan. maxaa yeelay marka uu ninka naftiisa fiiriyo, wuxuu arkayaa inuu da’ gaaray, ku hormaray aqoonta Aadmigu gaareen, jago iyo darajo sare ka gaaray arrimaha adduunka, oo dadka qaar inay kuunyadaan laga yaabo, ha yeeshee aan gudan karin aqoon wacanna u laheyn Salaadda, oo ah arrin xitaa ilmaha yar ec muslimiinta ah laga rabo inay u leeyihiin aqoon fiican oo dhan, odayaasha iyo waayeelka ka sokow.

Jahliga ummada ka heysata arrimaha diintooda waa mas’uuliyad iyo arrin la weydiin doono qof kasta oo cilmi leh, awoodna u leh inuu ka qayb qaato ka saaridda dadka mugdiga jahliga.

Arrintan waxaan xusayaa anigoo ka xun, kaddib kolkaan arkay dad badan oo Soomaali ah aan warba ka heyn arrimo badan oo diinta nolosheenna ah la xiriirta.
Waana taa waxa igu dcdejiyey inaan qoro kitaabkan kooban si ay dadku faa‘ido uga helaan Idanka llaahay

Maadaamayna qof kasta oo muslim ah ay muhiim u tahay shanta salaadood ee faralka ah. Salaadda jamaacada. Salaadda Jumcaha, Salaadda Labada Ciidood, Salaadda Istikhaarada (Laba talo tii roon), Salaadda Cabsida, Salaadda Janaazada (sida loogu tukado meydka), Salaadda Musaafirka. Salaadda qofka buka, iyo mas’alooyin kala duwan oo salaadda la xiriira. waxaan ku soo arooriyey arrimahaa oo dhan kitaabkan.
Waxaan ugu daray arrimahaa oo idil anigoo rajeynaya in laga faa’ideysto.

Waxaan ku dadaalay inaan isticmaalo ereyo sahlan si dhallinyarada, odayaasha, kii wax bartay, kaan wax baran ay isku si uga wada faa’ideystaan kitaabka. Kuwaa tukada waxay ugu faa’ideysan karaan inay saxaan wixii khalad kaga jira saladdooda. Kuwa aan tukanna inay ka bartaan oo sidaa salaadda ku oogaan. Waxaan Allaah ka baryayaa inuu ka dhigo camalkayaga mid khaalis u ah Wajigiisa, iyo camal Dar llaahay ah, oo ay ku intifaacaan dadka Soomaaliyeed meel iyo waa ay joogaanba Alloow dambigeenna dhaaf, innagana dhig hanuunsanayaal wax hanuunsha Naguna sug Xaqa ilaa geerida.

Waana Allaah Rabbigay, Mudanahayga iyo Gargaaraheyga, isagaana u wanaagsan id la kaalmeysto oo la tala saarto.

Allow nabad iyo naxariis korkiisa ka yeel Nabigeenni Muxammad, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii xaqa ku raacda. Aamiin.

CabdulCasiis Xasan Yacquub

 

AHMIYADDA SALAADDA IYO MEEQAANKEEDA

Salaaddu waa tiirka Islaamka uu ku taagan yahay iyo udub dhexaadka diinta. Salaad la’aanina waa diin la’aan. Diimahii hore salaaddu waxay ahayd qaybta ugu muhimsan cibaadooyinka ay Rususha iyo intii raacday aad ugu dadaali jireen.

Nabi Ibraahiim nabad iyo naxariiis Alle dushiisa ha ahaatee wuxuu Allaah ka baryi jirey inuu gacan ku siiyo gudashada waajibka salaadda oo wuxuu ku duceysan jiray sida Qur’aanka ku soo arooray:

“Rabbigayow! Iga yecl mid u ooga salaadda si wanaagsan, aniga iyo durriyadeydaba.” Suuradda Ibraahiim; Aayadda 40.

Nabi Ciise nabad iyo naxariis Alle korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri, isagoo Rabbigi wuxuu kula dardaarmay ka warramaya:

“Oo Wuxuu igu farad yeelay salaadda iyo Zakada inta aan noolahay.” Suuradda Maryam; Aayadda 31.

Sidoo kale, Allaah wuxuu amray Nabi Muxammad nabad iyo naxariis Alle korkiisa ha ahaatee oo uu ku yiri;

Akhri waxaa laguu waxyoodo oo ka mid ah Kitaabka oo u oog salaadda si wanaagsan « Suuradda Al-Cankabuut 45aad

Islaamkana oo ah qaabkii iyo heerkii u dambeeyey ee lagu gunaanaday iyadoo ebyan diinta towxiidka, waxay salaadda ku tahay tiirka labaad (yacni ashahaadada Islaamka lagu soo galo kaddib).

“Qofkii salaadda ka tagaana waa qof gaaloobay.”

Waxaana loo baahan yahay in la ogaado in toosinta hannaanka salaadda ay tahay waxay diinta ina farto goor waliba.

Qur’aanka inama faro oo inama yiraahdo ‘salluu – tukada’ ee wuxuu ina faraa oo innagu yiraahda: ‘Aqiimuus salaah – ooga oo toosiya hannaaanka salaadda’.

Salaaddu ma aha erayo iyo dhaqdhaqaaqyo taxan oo waqtiyo iyo munaasabado gaar ah lala yimaado dhug la’aan, ee waxaa waajib ah in si kal iyo laab ah loo tukado haddii la doonayo inay soo saarto miro wanaagsan.

Salaadda waa in la guto waqtiyadii loogu tala galay iyadoo la oogaya shuruudaheeda. Waa in qof iyo bulshaba la wada oogaa oo ahmiyad weyn la siiyaa. Maxaa yeelay salaadda, marka loo guto qaabka iyo hannaanka wanaagsan ee loogu tala galay waxay ku xireysaa qofka iyo bulshadaba Allaah, miro iyo faa’ido badan bayna ka helayaan. Waxay qoyneysaa laabta qofka oo ku xiriirineysaa Rabbigi, xusuusineysaana maalintaa uu qofku hor istaagayo abuurahiisa iyadoon ay cidi u dhaxeyn.

Nabigu (S.C.W) wuxuu inoo sheegay in:

Waxaa ugu horreeya ee qofka lagala xisaabtami doono Qiyaamaha ay tahay salaadda. Hadday wanaagsaneyd, acmaashiisa kale oo idil ay wanaagsanaayaan, haddayse
xumeyd, acmaashiisa kalena sidaa bay u xumaanayaan. (waxaa wariyey ad-Dabaraani).
Salaaddu waxay aheyd waajibkii ugu horreeyey ee la amray mujtamaca muslimka ah towxiidka kaddib intay Makka joogeen. Seddex sano ka hor hijradii Rasuulka s.c.w. Madiina.

Waxaana dhab u muujinaya oo daliil cad u ah ahmiyadda salaadda iyo siday Allaah ugu weyn tahay inay salaaddu tahay cibaadada qura ee Rasuulka samada lagu soo faray habeenkii Israaga iyo Mijcraajka, halka cibaadooyinka iyo waajibaadki kale Rasuulka la soo faray isagoo dhulka jooga.

Salaaddu waa waajib iyo xil saaran qof kasta oo muslim ah, ee miyir iyo maan qaba, qaan gaarna ah.

Caa’isha AKR waxay tiri: Wuxuu yiri Rasuulki Alle:

“Qalinka waa laga qaaday (oo wax kama qoro) seddex: qofka hurdada la tagto intuu ka soo kacayo, ilmaha yar intay ka qaan gaarayaan, iyo qofka waalan, intuu miyirku iyo maanku ku soo noqonayo’. (Waxaa wariyey Al-Bukhaari iyo Muslim.)

Wixii seddexdaa la soo sheegay aan aheyn waa la weydiin xilki iyo waajibkii Allaah saaray siday u guteen. Waxaana xilalkaa iyo waajibaadkaa ugu horreeya salaadda.

Aayado badan ayaa muslimiinta faraya salaadda. Naxariistiisa badan awgeed Allaah hufnaa oo kor ahaaye wuxuu meelo badan oo Qur’aanka ka mid ah ku muujiyey, isagoo ku celcelinaya ahmiyadda iyo meeeqaanka salaadda Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:

“Dhowra salaadaha iyo salaadda dhexe oo istaaga Allaah horti idinkoo adeecsan ” Suuradda Al-Baqarah: Aayadda 238

Axaadista Rasuulka s.c.w. qaar ka mid ahi waxay daaha ka qaadeen inay ka mid tahay ujeedooyinka salaadda tirtiridda iyo dhaqidda dambiyada aan kabaa’irta aheyn.
Ujeeddo iyo xikmad kale oo salaadda ku jirtaa waa inay ku beerto damiirka qofka muslimka ah Alle ka cabsi oo uu qalbigiisu qoyo, ilays iimaani ahna uu yeesho iyo nuur.
Tanse ugu weyn oo ugu muhiimsan waa xuska Ilaahay, maadaamuu Isagu yahay Kan ay Gacantiisu ku jirto khayrka oo idil.

Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri: Oo u oog Salaadda si wanaagsan. Xaqiiq, Salaaddu waxay ka reebtaa dadka xumaanta iyo Munkarka, oo xusidda Allaah baa sii weyn. Oo Allaah waa og yahay waxa aad sameynaysaan.” Suuradda al-Cankabuut: Aayadda 45.

Dhowridda salaaddu waa arrin aad inoo lagu adkeeyey – degaan haddaan nahay negan oo guryahoodii jooga, ama kolkaynu safar nahayba gooraha amniga iyo gooraha baqdinta. Gooraha nabadda iyo gooraha dagaalka. Haddaan caafimaad qabno iyo haddaan bukaan nahay. Xitaa haddaanu kari weyno inaynu ka soo wada baxno shuruudaha layska doonayo ee Salaadda iyo xaaladaheeda la yaqaan. sida weesada, qusliga, daahirinta maryaha, iyo meesha lagu tukanayo, arrimahaa haddii ay adkaadaan ama la waayo waxaa naloo banneeyey inaynu ka tagno, oo iska deyno, ama wax kale ku beddelanno kolkey duruufteeda timaaddo, sida booreysiga (oo ah isticmaalki carrada ama shay boor leh oo daahir ah si laysugu daahiriyo halkii biyaha).

Sidoo kale waxaa laynoo banneeyey gaabinta iyo isu keenidda salaadda waqtiga safarka. Marnabase uma bannaana oo cudur daar uma leh qofka muslimka ahi inuu fududeysto oo uusan ahmiyad siin salaadda ama dib dhigo illaa waqtigeeda ka baxo, oo keliya dumarka markay caadada ku dhacdo oo dhiig bileedkii helo ama dhiggii dhalmada ka socdo baan salaad tukaneyn xilligaa ay dhiigga qabaan. Xitaa qofka bukaan jiifka ah ee aad u xanuunsanaya ee aan socon karin ama qofka col iyo cadow ay is hayaan waxaa waajib ku ah inuu tukado. Qofku hadduu si kale oo dhan u tukan waayo oo cudur ama wax kale dhigaan oo dhaqaaq iyo dhawaaq iska waayo, wuxuu ka tukan indhahiisa ama qalbigiisa hadba inta awooddiisa gaarsiiso, inta uu wax kala garanayo, miyirkiisuna uu taam yahay maankiisana joogo salaad waa laga rabaa.

Kolkay Rasuulka s.c.w. nafta ka sii baxeysay, naxariis iyo turid uu ummadiisa u qabo. wuxuu ku celcelinayay oo lahaa: War hooy Salaadda. War hooy Salaadda.
Waxayna Rasuulka s.c.w. nafti ka baxday isagoo leh:

“Assalaah Assalaah . Salaadda .. Salaadda.”

Axaadiis saxiix ah oo ka sugnaaday Nabiga (S.C.W.) ayaa caddeynaya in ka tegidda Salaadda ay kufri tahay iyo gaalnimo, qofkiisa uu ku muteysanayo cadaabta Ilaahay nolosha dambe ee Aakhirada. Axaadiista sheegaya gaalnimada taariku salaadka waxaa ka mid ah xadiiska ah:

“Waxaa qofka ka xiga kufriga iyo shirkiga ka tegidda Salaadda” (Waxaa wariyay Axmad iyo Muslim).

Wuxuu kaloo Nabigu (S.C.W.) yiri:

“Ballanteennu waa salaadda. qofkii ka tagaana waa qof gaaloobay”. (Waxaa wariyay Al-Bukhaari iyo Muslim).

Asxaabtii Rasuulka Alle ha ka wada raalli noqdee waxay qabeen in haddii hal salaad kas iyo maag laysaga daayo oo looga tago ilaa waqtigceda ka baxo inay tahay ka noqosho diinta iyo ku gaaloobid Alle weyne.

Sidiisana waxaa yiri Cumar bin Al-Khaddab Cabdulaah bin Mascuud, Cabdullaah bin Cabbaas, Mucaad bin Jabal iyo rag badan oo asxaabta ka mid ah iyo taabiciin waaweyn.
Cid asxaabta ka mid ah oo taa kula dooddayna ma jirin ama hadal ka keentay oo waxay aheyd arrin ay isku waafaqsan yihiin.

Qofkii aan war heyn, Islaamkana aan wax looga sheegin ee jaahilka ka ah, xil iyo mas’uuliyad ma saarna inta wax looga sheegavo oo la ogeysiin. Ha yeeshee kolkuu ogaado inay salaadda waajib ku tahay iyo xil saaran, marba haddii uu Muslim yahay, xujo iyo cudur daar, iyo dow uma leh inuu ka tago.

Shiikhii Islaamka Axmad ibnu Taymiyah wuxuu yiri:

“Dad waxaa jiri marna salaadda tukada, marna ka taga, oo sidaa marna kufri ku sugan, marna iimaan, arrintooduna waa hadba sida khaatimadoodu noqoto”
Waana kuwan marna salaadda tukada, marna ka taga kuwa cadaabta loogu gooddiyey falkoodaas xun awgii, waana iyaga kuwa uu ka hadlayo xadiiska Cubaadah ee sheegaya in Rasuulku (S.C.W.) yiri:

“Shan salaadood buu Allaah ku waajibiyey addomihiisa maalinta iyo habeenka. Qofkii dhowraa ee muwaxid shirki ka fayow wuxuu Allaah u ballan qaaday inuu jannada geliyo, qofkii aan dhowrin salaadda cahdi iyo ballan Alle agtiisa uma taal. Hadduu doono wuu ciqaabi, hadduu doonana wuu iska cafin.”

Sidaa awgeed dhowraha salaadda waa kan tukada waqtigii uu Allaah u qabtay oo aan ka dib dhigin waqtigeeda loo dhigay dayicinna qaybaheeda muhiimka ah. Qofkase aan toosineyn salaadda ee kala gaabinaya, inkastoo uu tukanayo qofkaas Allaah baa go’aankiisa leh, waxaana suura gal ah inuu leeyahay salaado siyaado ah oo dheeri ah (Nawaafil) si loogu kabo salaadahiisa faralka ah, tixraac qowlka Rasuulka SCW

“Waxa ugu horreeya ee addoomaha laga eegi doono kolka la xisaabinayo waa salaadda. Rabbigeen wuxuu ku oran doonaa malaa’igta isagoo ogsoon oo kaga cilmi roon: Bal fiiriya addoonkeyga salaadiisa miyuu dhammeystiray oo si wacan u gutay mise waa uu kala dhimay? Markaa haddii ay dhan tahay waxaa loo diiwaan geliyaa iyadoo dhan, haddayse dhiman tahay wuxuu oran, bal fiiriya hadduu addoonkeygu sunnooyin tukan jirey? Haddii uu salaado dheeri ah oo iskiis ah tukan jiray aan shanta faralka aheyn, wuxuu Allaah oran, uga kaba addoonkeyga salaadahiisa faralka ah salaadahiisa sunnada ah, kaddib acmaashiisa kale oo dhan waxay ku xiran tahay natiijada salaaddiisa”. Oo hadduu salaadda ku dhaco waxa kale oo dhan wuu ku dhici doonaa, haddii uu salaadda ku baasana waxa kale oo dhanna wuu ku baasi (yacni ka gudbi oo ku guuleysan) Qofna cudur daar uma leh inuu salaadda ka tago ama dayaco Ruuxii sidaa yeelaa naftiisa buu gef iyo dulmi u geystay. Sidaynu soo sheegnayna kooxo asxaabta Nabiga s.c.w ka mid ah waxay qabeen ruuxii kas uga tagaa hal salaad ilaa waqtigeedu uu ka baxo ay tahay gaalnimo, ciqaadta ka taal ay tahay dil. Cid asxaabta ka mid oo aragti taa ka duwan qabtayna ma jirin. Waxaa isweydiin leh haddaba dadka Muslim baan nahay leh ee haddana aan tukaneyn ma waxay soo galayaan kuwaa ogsoon weynida salaadda iyo meeqaankeeda iyo in qofkii ka tagaa salaadda xukunkiisa adduunka yahay in la dilo illaa geeri, mise ma kuwa jaahil ah baa ee moog inay salaaddu waajib ku tahay iyo in kale? Ma waxaan jahli ahayn baa dambigaa weyn oo kale loogu dhici karaa? Dhinaca kale, ma suura gal baa in jahligu sidaa daran uu u faafo?

Maxaase ku kallifi karo qof inuu ka haro kulanka musalliinta oo uu ka goosto xiriirka Alle weyne ee galladda iyo abaalka iyo deeqda badan, naxariis badnaha falka san?

Alle weyne isagoo aadmiga waaninaya wuxuu yiri:

82:682:782:8

 

“Aadanow! Maxaa kaa jeediyay Rabbigaaga, Roonaanta badan? Ee ku abuuray kuna ekeeyey oo kuu simay si wanaagsan. Oo suurad tii uu doonay kaa rakibay.” Suuradda al-Infidaar, aayadaha 6aad-8aad.