KA DHEERAANSHAHA SHUBHADA
[arabic-font]عَنْ أَبِي عَبْدِ اللَّهِ النُّعْمَانِ بْنِ بَشِيرٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، قَالَ: سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: “إنَّ الْحَلَالَ بَيِّنٌ، وَإِنَّ الْحَرَامَ بَيِّنٌ، وَبَيْنَهُمَا أُمُورٌ مُشْتَبِهَاتٌ لَا يَعْلَمُهُنَّ كَثِيرٌ مِنْ النَّاسِ، فَمَنْ اتَّقَى الشُّبُهَاتِ فَقْد اسْتَبْرَأَ لِدِينِهِ وَعِرْضِهِ، وَمَنْ وَقَعَ فِي الشُّبُهَاتِ وَقَعَ فِي الْحَرَامِ، كَالرَّاعِي يَرْعَى حَوْلَ الْحِمَى يُوشِكُ أَنْ يَرْتَعَ فِيهِ، أَلَا وَإِنَّ لِكُلِّ مَلِكٍ حِمًى، أَلَا وَإِنَّ حِمَى اللَّهِ مَحَارِمُهُ، أَلَا وَإِنَّ فِي الْجَسَدِ مُضْغَةً إذَا صَلَحَتْ صَلَحَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، وَإذَا فَسَدَتْ فَسَدَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، أَلَا وَهِيَ الْقَلْبُ”. [/arabic-font]
[arabic-font][رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ][/arabic-font]
[arabic-font]، [وَمُسْلِمٌ][/arabic-font]
Waxaa laga weriyay Abuu—Cabdullaah an-Nucmaan ibn Bashiir (Alla ha ka raalli noqdee), inuu yiri waxaan maqlay Rasuulkii Ilaahay ﷺ oo leh:
Xalaashu waa caddahay, xaaraantuna waa caddahay, waxaana jira arrimo murugsan oo aan xalaal iyo xaaraan midna ku caddeyn, dadka badankiisuna ka warqabin, marka ninka ka dhowrsada arrimahaa shakigu ku jiro waxaa u badbaaday diintiisa iyo sharafkiisa, ninkii arrimaha shakiga ku dhacaana waa nin ku dhacay xaaraan oo kale sidii nin xoolo u foofiyay meel seero agteed ah, waxaa looga baqaa in xooluhu seerahaa u dhacaan oo ay daaqaan. Hooyaay! Ogaada in boqor kasta leeyahay seero ama xirmooyin, seeraha Ilaahayna waa waxa uu xaaraantimeeyey. Hooyaay! Ogaada in jirka ay ku jirto waslad hilib ah oo haddii ay hagaagto jirkoo dhan baa hagaagaya, haddii ay xumaato jirkoo dhan baa xumaanaya. Ogaada taasi waa qalbiga.
Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim
Sharaxa
Xadiiskani waa saldhigga cilmiga fiqiga ee lagu qeexay xalaasha iyo xaaraanta, waxaanu xadiisku inoogu qaybiyey waxyaalaha innaga hor imaanaya inaaney ka baxsaneyn saddex xaalo midkood:
1. Wax lagu caddeeyay xaaraannimadiisa.
2. Waxa la caddeeyay xalaalnimadiisa.
3. Waxa laga shakiyay inuu xalaal yahay iyo inuu xaaraan yahay.
Marka labada hore muran kama joogo, waxaase xadiisku tilmaamay wixii laga yeeli lahaa xaaladda seddexaad, wexaanu amray in laga dheeraado shubhada intii lagu dhici lahaa xaaraanta.
Wuxuu ku matalay shubhada nin xoolo u foofiyay beero soohdintood, wuxuu halis u yahay in xooolihiisu beeraha u dhacaan oo ay daaqaan, halkaana waxa ka dhacaya in ninkii beertiisa la daaqay dagaal ku qaado ninka xoolaha la jiray, marka si dagaalka looga nabadgalo waa in xoolaha laga dheereeyo soohdinta beeraha. Haddaba, beerta Ilaahay waa waxa uu xaaraantinnimeeyey, ninkii beertaa u dhacaana waa inuu isu diyaariyo dagaalka Ilaahay.
Waxaa kaloo xadiisku sheegay in qofka gudihiisa laga hoggaamiyo, haddii qofka hoggaaankiisa guduhu toosnaado qofkuna waa toosayaa, haddii hoggaanka guduhu qalloocdo qofkuna waa qalloocanayaa. Haddaba, hoggaanka guduhu muxuu yahay? Hoggaanka guduhu waa Qalbiga. Marka waa inuu qofku ku dadaalo siduu qalbigiisa uga dhigi lahaa mid saafi ah oo toosan.
FAA’IIDADA XADIISKA
1. Kala soocidda xalaasha, xaaraanta iyo shubhada,
2. In shubhada laga dheeraado si looga nabadgalo xaaraanta,
3. In qofku hagaajiyo qalbigiisa kana nadiifiyo xinka, xasadka, calool ku-haynta iyo wixi la mid ah.