Tag Archives: Shiikh Cabdulqaadir Maxamuud Cismaan

Fataawaha Dumarka: Jaldiga Gadaale

FATAAWAHA DUMARKA
244 su’aalood oo dad Muslimiin ahi ay dalbadeen in looga jawaabo.
Jawaabaha su’aalahan oo ay ka iftoodeen qaar ka mid ah culumada ugu caansan caalamka Islaamka, oo ay ka mid yihiin Ibnu Taymiya, Ibnu Baaz, Ibnu Cutheymiin, Ibnu Jibriin iyo weliba Guddiga Joogtada ah ee Iftaha Sucuudiga.

QAYBAHA GUUD EE BUUGGA
Caqiidada
Is-Daahirinta
Caadada, Nifaaska
Salaadda
Jinaasada
Soonka
Sakada
Xajka
Udxiyada
Guurka
Wada Dhaqanka Labada Isqaba
Furniinka
Asayda
Nidarka
Dhaarta
Labbiska, Xijaabka
Dahabka
Akhlaaqda
Salaanta
Iskudhaf
Dhaxalka

Lifaaqa Labaad

Taariikh-nololeedka Culumada Su’aalaha ka Jawaabay

Al-Cuthaymiin

Sheekh Maxamed ibnu Saalix Al-Cuthaymiin wuxuu ku dhashay magaalada Cunayza, dalka Sucuudiga, sanadkii 1347 taariikhda Hijriga.

Isagoo yar ayuu Qur’aanka xafiday kadibna wuxuu u soo jeestay barashada diinta, waxaa sheekhiisa koowaad ahaa Sheekh Cabdirraxmaan bin Naasir Al-Sacdi oo ka mid ahaa culimada ugu waaweyn Sucuudiga, kaddib wuxuu galay Machad Al-Cilmi oo ku yaaley magaalada Riyaad ilaa uu ka qalin jabiyey.

Waxuu soo qabtay xilal iyo shaqooyin kala duwan:

Markii uu soo qalin jabiyey waxaa loo magacaabay in uu macallin ka noqdo Machad Al-Cilmi oo ku yeeley Cunayza.

Markii uu geeriyooday Sheekhiisii Cabdirraxmaan Al-Sacdi, wuxuu la wareegay imaamnimada masjidka weyn oo Cunayza halkaas oo uu duruusta ka bixin jirey, ardaydiisuna ay gaareen boqollaal.

Wuxuu ka tirsanaa oo xubin ka ahaa Hay’adda Culimada waaweyn (Iftaha) ee Sucuudiga.
Wuxuu wax ka dhigi jirey Jaamicadda Maxamed bin Sucuud Al- Islaamiya, faraceeda ku yaal Qasiim.

Wuxuu duruus ka bixin jirey Masjid Al-Xaraam iyo Masjidka Nabiga ee Madiina, xilliyada Xajka iyo Ramadaanta iyo waqtiyo kale.

Muxaadarooyin ayuu ka jeedin jirey gudaha iyo dibedda Sucuudiga wuxuuna ka mid ahaa culimada ugu caansan uguna aqoon badan dunida Muslimka.

Sheekhu intaas keliya kuma ekaan ee wuxuu allifay kutub badan, wuxuu dhintay sanadkii 1421 taariikhda Hijriga, oo waafaqsan taariikhda miilaadiga sannadkii 2001, Alle ha u naxariisto oo jannadii ha geeyo.

Bin Baaz

Sheekh Cabdulcasiis bin Cabdallah bin Baaz, wuxuu ku dhashay magaalada Riyaad sannadkii 1330 Hijrga, isagoo yar ayuu indha beelay, Qur’aanka isaga oo yar ayuu xafiday, kaddibna cilmiga diinta ayuu aad u bartay, culimo badan ayuuna la kulmay oo wax ka bartay.

Shaqooyinka iyo mas’uuliyaadka uu soo qabtay:

  • Madaxa Hay’adda Culimada waaweyn.
  • Madaxa Guddiga Joogtada ah ee Iftaha iyo Cilmi baarista
  • Xubin iyo madaxa Guddiga Aasaasiga ah ee Raabidada Dunida Muslimka.
  • Madaxa Masaajiddada Dunida Muslimka.

Sheekhu intaas keliya kuma ekaan ee wuxuu allifay kutub badan, wuxuu geeriyooday sannadkii 1420 Hijriga oo ku aaddan taariikhda miilaaddiga 1999. Alle ha u naxariisto oo jannadii ha geeyo.

Al-Jibriin

Sheekh Cabdallah bin Caburraxmaan Al-Jibriin wuxuu ku dhashay magaalada Quwayqica oo Sucuudiga ka mid ah sannadkii 1352 Hijriga, isagoo yar ayuu Qur’aanka iyo sunnada si fiican u bartay, iyadoo xilligaas aysan jirin iskuul si nidaam ah wax looga barto, wuxuu cilmiga ka qaadanayey culimada, kaddib wuxuu u soo wareegay Riyaad halkaas oo uu ka galay iskuul uu ku dhammaystay dugsiga sare sannadkii 1377 Hijriga, isagoo galay kaalinta labaad, kaddibna wuxuu galay jaamicadda wuxuuna ka qalin jabiyey 1381 Hijriga, markaas wuxuu galay machadka lagu barto garsoorka halkaas oo uu ka qaatay shahaado mastar ah, kaddibna kulliyadda shariicada ayuu galay halkaas uu ka qaatay shahaadada duktuur.
Wuxuu macallin ka noqday Machadka Imaam Al-Dacwah.

Wuxuu ka tirsanaa oo xubin ka ahaa Hay’adda Culimada waaweyn (Iftaha) ee Sucuudiga.
Wuxuu duruus joogto ah ka bixiyaa masaajiddo badan iyo gurigiisa, iyadoo ardaydiisu ay boqollaal gaarayaan.

Sheekhu intaas keliya kuma ekaan ee wuxuu allifay kutub badan, wuxuuna ku sugan yahay magaalada Riyaad ee caasimadda waddanka Sucuudiga.

Ibnu Taymiyah

Taqiyuddiin Axmed Cabdulxaliim ibnu Taymiyah, wuxuu ku dhashay magaalada Xaraan sannadkii 1263 taariikhda miilaadiga, wuxuu ahaa culimada fiqiga gaar ahaan mad-habta Xanbaliyada.

Wuxuu ka mid ahaa culimada ugu caansan xilligii uu noolaa, wuxuu aad ugu dheeraaday cilmiga Qur’aanka iyo Xadiiska iyo fiqiga iyo luuqadda Carabiga, wuxuu raacay jidkii salaf a-saalix oo ah ku dhaqanka Qur’aanka iyo Sunnada, wuxuu deganaa magaalada Dimishqi halkaas oo uu ka iftoon jirey dadkana wax ku bari jirey, wuxuu qoray kitaabo aad looga faa’idaystay, wuxuu dhintay sanadkii 1328, isagoo ku xiran xabsiga magaalada Dimishqi.

Guddiga Iftaha Sucuudiga

Guddigani waxa uu markasta ka koobmaa culumada ugu climiga badan Sucuudiga. Culimada su’aalaha buuggan ka jawaabay intooda badan waxa ay xubin ka ahaayeen Guddigan.

Guddigan waxa uu sida qaalibka ah qaabilsan yahay in ay ka jawaabaan su’aalaha diiniga ah isla markaasna ay ummadda u tilmaamaan jidka toosan.

Lifaaqa Koowaad

Raadraaca Buugga
Kutubta aan ka soo minguuriyey su’aalaha iyo jawaabaha buuggaani ka kooban yahay oo maraajicda ah waxay kala yihiin sida hoos ku xusan:
Fataawa Hay’at Kibaar Al-Culamaa, waa labo majallo, waxaa lagu daabacay Maktabadda Turaath Al-Islaami.
Min Axkaam Al-Fiqhiyah fii Fataawaa Nisaa’iyah – Ibnu Cuthaymiin
Fataawaa Al-Mar’ah, waxaa soo uruuriyey Maxamed Al-Musnad
Majmuuca Fataawaa Ibnu Taymiya
As’ilah Muhimmah – Ibnu Cuthaymiin

Cutubka Kow iyo Labaatanaad – Dhaxalka

DHAXALKA
Sidee dhaxalka loogu qaybinayaa?
Haweenta iyo dhaxalka ninkeeda

DHAXALKA
Sidee dhaxalka loogu qaybinayaa?
Su’aasha 241aad: Haweenay ayaa waxay ka dhimatay ninkeedii iyo ayaydeed iyo walaalkeed ay isku aabbe iyo isku hooyo yihiin iyo wiil ay dhashay, haddaba sidee ayaa dhaxalka loogu qaybinayaa?

Jawaab: Ninka waxaa la siinayaa rubuc (maalka oo afar meelood loo qaybiyey meeshiis), ayaydana sudus (maalka oo lix meelood loo qaybiyey meeshiis), wiilkeedana inta soo harta ayuu qaadanayaa, walaalaheedna dhaxalka wax kuma lahan.

Su’aasha 242aad: Haweeney ayaa geeriyootay waxayna ka tagtay gabar iyo walaalkeed ay isku hooyo yihiin iyo ina adeerkeed, haddaba sidee ayay wax u kala dhaxlayaan?

Jawaab: Gabadha maalka barkiis ayaa la siinayaa inta soo hartana ina adeerkeed ayaa leh, walaalkeeda ay isku hooyada yihiin waxaa dhaxalka ka hor istaagay gabadha ay walaashiis dhashay oo nuska la siiyey, dhaxalkana wax kuma laha maadaama ay gabadhaasi joogto sida ay afarta mad-habood isku raaceen, waxaase habboon haddii uu yimaado marka dhaxalka la qaybinayo in wax la siiyo.

Su’aasha 243aad: Naag ayaa geeriyootay oo ka tagtay ninkeedii iyo wiil ay habaryar u tahay, sidee maalka loogu qaybinayaa?

Jawaab: Ninku wuxuu leeyahay maalka barkiis, wiilka ay habaryarta u tahayna wuxuu qaadanayaa maalka inta soo harta sida ay qabaan qayb Shaaficiyada ka mid ah iyo Abii Xaniifa iyo Axmed oo isagu aad ugu adkaystay arrintaas, qawlka labaadna waa in wiilka aan waxba la siinayn maalkana inta uu ninku qaatay ma ahee inta kale lagu darayo hantida dawladda (baytal-maalka), waxaana sidaas qaba Shaaficiyada badankooda iyo Axmed wajiyada wax looga wariyey mid ka mid ah.
Culimadu waxay ka doodeen dadka qaraabada ah oo aan iyagu dhaxalka wax ku lahayn waxayna ka yiraahdeen:
Shaafici iyo Maalik waxay qabaan qofkii la waayo ciddii dhaxalkiisa xaq u lahayd in maalkiisa dawladdu la wareegayso (oo aan qaraabadiisa kale la siinayn). Warin Axmed laga wariyeyna sidaas oo kale ayay xustay.
Mad-habta ay salafku u badan yihiin iyo Abii Xaniifa, Thowri, Isxaaq iyo Axmed (qawlkiisa ugu xoog badan) waxaa laga wariyey inay dhammaantood qabaan ruuxa ciddii dhaxalkiisa xaqa u lahayd la waayo in la dhaxalsiinayo qaraabadiisa kale (sida abtiga oo kale). Allaahna wuxuu yiri:
“Dadka qaraabada ah qaarkood qaarka kale mudnaan ayuu ka leeyahay (sida ku sugan) Kitaabka Allaah.”
Nabiguna wuxuu yiri:
“Abtigu wuxuu dhaxlaa qof aan lahayn cid dhaxasha, wuu dhaxlayaa, kuna fakhri baxayaa.”

Haweenta iyo dhaxalka ninkeeda
Su’aasha 244aad: Haweeney ayaa ninkeeda waxaa qabtay xanuun uu la dhul dhacay oo uu saddex bilood la jiifey, maalin dambe ayuu ka dalbaday cabbitaan wayse kala soo daahday, markaas ayuu ku yiri, “Saddex dalqadood ayaad iiga furan tahay!” Labaatan cisho kaddibna wuu geeriyooday, haddaba furniinkaasi ma dhacayaa? Dhaxalka wax ma ku leedahay?

Jawaab: Furniinkaasi waa dhacayaa haddii uu caqligiisu taam yahay oo ikhyaarkiisa ku furay wayna dhaxlaysaa sida ay qabaan jamhuurka culimadu waxaana sidaas qaba mad-habka Imaamu Shaafici (qawlka qadiimka ah) iyo Imaamu Maalik iyo Axmed iyo Abii Xaniifa, waxaana dhacday Cabdirraxmaan bin Cawf inuu xaaskiisa furay isagoo sakaraadaya kaddibna Amiirkii Mu’miniinta ee Cismaan bin Cafaan uu dhaxal u xukumay haweenaydaas uu furay.
Haweentaasi waa inay ka ciddo tirsato ninka dhimashadiisa ama furniinka hadba kii waqtigiisu dheeryahay, haddiise uu waqtigaas uu furay caqligiisu aanu taam ahayn kama furmayso.

Cutubka Labaatanaad – Fataawa Kala Duwan

FATAAWA KU SAABSAN ARRIMO KALA DUWAN
Haddii haweentu iibiso maal ay leedahay oo waligeed aysan arag
Waalid wax ku sadaqaystay carruurtiisa
Carruurta qaarkeed oo gooni wax loo siiyo

FATAAWA KU SAABSAN ARRIMO KALA DUWAN
Haddii haweentu iibiso maal ay leedahay oo waligeed aysan arag
Su’aasha 238aad: Haween ayaa waxay leedahay hanti aysan waligeed arag laakiin ay tilmaan fiican ka haysato oo sidaas ku garanayso, haddaba ma u bannaan tahay inay ka iibiso ruux hantidaas arkay?

Jawaab: Haddii ay haweentaasi tilmaan ka haysato hantideeda oo sidaas ku garanayso way u bannaan tahay inay iibiso iyadoon arag, haddii aysan tilmaan ka haysan way iibin kartaa ama qof wakiil uga ah oo arkay hantidaas ayaa iibin kara.

Waalid wax ku sadaqaystay carruurtiisa
Su’aasha 239aad: Haweeney ayaa wiilasheeda mid ka mid ah waxay siisay maal aysan wiilasheeda kale siin, wiilasheeduna caasiyaal ma ahayn kaddibna way geeriyootay iyadoo la joogta wiilkii ay maalka gaarka u siisay, haddaba sadaqadaasi ma ansaxaysaa?

Jawaab: Haddii aan wiilkaasi la wareegin maalkii lagu sadaqaystay ilaa ay hooyadiis ka dhimatay way buraysaa siinta gaarka loo siiyey maalkaas wiilasha kale ayuuna ula siman yahay sida ay afarta mad-habood qabaan, haddiise uu maalka kala wareego inta aysan dhiman iyada ruuxeeda sida saxiixa ah ma ansaxayso inuu gooni u qaato walaalihiisa kale ayuuna kala mid yahay.

Carruurta qaarkeed oo gooni wax loo siiyo
Su’aasha 240aad: Haweeney ayaa iyadoo caafimaad qabta u hibaysey wiil carruurteeda ka mid ah maal, toban sano kaddibna way geeriyootay, wiilku maalkii ay hooyadiis siisay oo dhan wuxuu u hibeeyey wiilkiisa kaddibna wuu geeriyooday, qaadiyadu waxay sheegeen inuu xaq u leeyahay, haddaba dadkii kale ee dhaxalka wax ku lahaa ma u bannaan tahay hibadaas inay baadil ka dhigaan oo maalka si siman loo qaybsado?

Jawaab: Sadaqadaasi way buraysaa haddii maalkaas aan weli lagu tagri falin uuna hayey qofkii sadaqaystay ilaa uu ka dhintay sida ay culimadu isku waafaqsan yihiin, qaadiguna arintaa xukunkeeda wuu ku gafey mana ansaxayo xukunkiisu.
Haddii sadaqadaas uu la wareego qofkii lagu sadaqaystay iyaduna waa arrin macruuf ku ah culimda dhexdooda, maalkaasna waa laga soo celinayaa qofkii gaarka loo siiyey ama ilmaha oo dhan mid kasta intaas oo kale ayaa la siinayaa, Bukhaari iyo Muslimna waxay qoreen: Nucmaan bin Bashiir inuu yiri:
“Aabbahay ayaa wuxuu i siiyey addoon, markaas ayay hooyaday Camrata binti Rawaaxa waxay ku tiri, ‘Raali noqon mayo ilaa aad arrintaas Nabiga ka markhaati galisid!’ Markaas ayuu Nabiga u yimid oo ku yiri, ‘Anigu wiilkaygaan waxaan siiyey addoon, hooyadiisna waxay tiri, “Kaa raali noqon mayo ilaa aad Rasuulka ka markhaati galisid.” Markaas ayuu Rasuulku ku yiri, “Carruur kale ma leedahay?” Waxaan iri, ‘Haa.’ Wuxuu yiri Nabigu, “Kulligood ma siisay waxa aad wiilkaan siisay oo kale?” Waxaan iri, ‘Maya.’ Markaas ayuu Nabigu yiri, “Orod oo cid kale markhaati gasho.””
Xadiis kalena wuxuu ahaa, “Anigu dulmi markhaati kama noqdee ha i markhaati gashan, Allaahna ka cabsada oo carruurtiina u cadaalad fala.”

Cutubka Sagaal iyo Tobnaad – Salaanta

SALAANTA
Salaanta qaraabada
Salaanta oo la gacan qaado haweenka ajnabiga
Salaanta ardaygu salaamo ardayadda
Haweenka oo lala kaliyoobo (khalwada)
Way i caayaan markaan xumaanta ka reebo

SALAANTA
Salaanta qaraabada
Su’aasha 233aad: Waxaan deganahay magaalada Riyaad, waxaa jira dad aan qaraabo nahay oo aan aad isugu dhownahay oo ay ka mid yihiin gabdhaha abtigay iyo xaasaska adeerraday iyo gabdho aan ilma adeer nahay, marka aan soo booqdo waan isa salaamnaa oo is dhunkannaa wayna ila soo fariistaan iyagoo aan xijaabnayn, arrintaas waan dhibsadaa, waana caado aad ugu faaftay koonfurta Sucuudiga, maxaad ka oranaysaan caadadaas maxaase ila gudboon? Noo faa’ideeya Allaah ha idinka abaal mariyee.

Jawaab: Caadadaasi waa caado xun oo sharciga khilaafsan, kuumana bannaana in aad hablahaas iyo wixi la mid ah gacan qaaddid oo dhunkatid sababtoo ah maxram uma tihid waxaana ku waajiba inay kaa xijaabtaan, Allaahna wuxuu yiri:
“Haddii aad wax weydiinaysaan (haweenka Nabiga) ka weydiiya xijaabka gadaashiisa, sidaas ayaa qalbiyadiinna iyo qalbiyadoodaba u daahirnimo badan.”
Aayaddani waxay khusaysaa haweenka oo dhan sida ugu saxiixsan ee culimadu sheegeen daliilna uma haystaan dadka oranaya aayaddani waxay khaas ku ahayd xaasaskii Nabiga waana hadal baadil ah, Allaahna wuxuu aayad kale ku yiri:
“Yaysan u muujin quruxdooda raggooda rnooyee, iyo aabbayoowgood iyo ninkooda aabbihiis, iyo wiilashooda iyo wiilasha raggoodu ay dhaleen iyo walaalahood iyo wiilasha walaalahood iyo wiilasha gabdhahay walaalaha yihiin, iyo haweenkooda (Muslimiinta ah).”
Adigu intaas la sheegay midna ma tihid balse waxaad ka tahay ajnabi waxaana kugu waajiba in aad u sheegtid oraahdaan si ay kuugu cudurdaaraan una ogaadaan xukunka sharciga ah, waxaa kugu filan in aad salaantid adiga oo aan gacan qaadayn sida aayadaha Qur’aanka ah ee aan soo sheegnay ku xusan, Nabiga mar ay haweeney damacday inay gacan qaaddo oo salaanto wuxuu ku yiri:
“Anigu haweenka ma gacan qaado.”
Caa’ishana waxay tiri:
“Waligeed Rasuulka Alle gacantiisu ma ay taaban haweeney ajnabi ka ah gacanteed, afka ayuu kala baayactami jirey (marka ay axdi la galayaan).”
Sidoo kale Saxiixa Muslim waxaa ku taal iyadoo Caa’isha laga warinayo qisadii been abuurka inay Caa’isha tiri markii ay maqashay codka Safwaan bin Mucaddil:
“Waxaan dabooshay wajiga wuxuuna i arki jirey intaan xijaabka la soo dejin.”
Arrintaasi waxay daliil u tahay in ay haweenku wajiga qarsadeen markii xijaabka la soo dejiyey intii ka dambaysey. Allaah waxaan weydiisanaynaa inuu Muslimiinta xaalkooda hagaajiyo iyo inuu inagu galladaysto fahamka diinta.

Salaanta oo la gacan qaado haweenka ajnabiga
Su’aasha 234aad: Muxuu yahay xukunka in haweenka la gacan qaado marka la salaamayo iyadoo maro iyo wixi la mid ah gacanteeda la iska xijinayo? Farqise ma u dhexeeyaa ninka wax salaamaya haddii uu yahay dhallin yaro iyo haddii uu oday yahay ama haweenta la salaamayo ay da’ yar tahay ama da’ weyn tahay?

Jawaab: Ma bannaana in salaan loo gacan qaado haweenka ajnabiga kaa ah waana isku mid haddii aad maro iska xijisid iyo haddii kale ama ay da’ weyn tahay ama da’ yar tahay, ama ninka salaamayaa uu dhalinyaro yahay ama da’ weyn yahay, fitnada ka iman karta mid kasta oo iyaga ka mid ah awgeed, Rasuulkana waxaa ka sugnaatay inuu yiri:
“Anigu haweenka ma gacan qaado.”
Caa’ishana waxay tiri:
“Waligeed Rasuulka Alle gacantiisu ma ay taaban haweeney ajnabi ka ah gacanteed. Afka ayuu kala baayactami jirey (marka ay axdi la galayaan).”
Waa isku mid haddii maro ama wax la mid ah la iska xijiyo ama aan la iska xijin marka la salaamayo, iyadoo laga hor tagayo inay fitno ka timaaddo.

Salaanta ardaygu salaamo ardayadda
Su’aasha 235aad: Waxaan ahay arday jaamicad dhigta, mar marka qaarkood waxaan salaamaa gabdhaha aan isku kulliyadda nahay, haddaba arrintaasi ma bannaan tahay?

Jawaab: Horta sideedaba ma bannaana in gabdho iyo wiilal hal fasal la isugu keeno oo ay kuraas ku wada fariistaan, waana waxyaalaha ugu waaweyn ee fitnadu ka timaaddo, umana bannaana ardayga iyo ardayaddu inay soo xaadiraan fasallada caynkaas oo kale ah, salaantuna wax dhib ah ma leh haddii aan la gacan qaadayn oo iyadoo xijaaban uu bannaanka ka salaamo, kalina aanay isla noqon (khalwo), salaantana aan looga dan lahayn xumaan iyo in fitno la abuuro, haddii sidaas looga dan leeyahay ma bannaana.

Haweenka oo lala kaliyoobo (khalwada)
Su’aasha 236aad: Maxaa loola jeedaa xadiiska ah:
“Ninna yaanu la keli noqon haweeney iyadoo aanu la joogin ninkeedii ama ruux kale oo maxram u ah.”
Mase bannaan tahay inuu ninku la fariisto naagta iyadoo aanu wax xijaab ahi u dhaxeyn haddii uu ninkeedu la joogo?

Jawaab: Macnaha xadiisku waa inaysan u bannaanayn ninku inuu kula keli yoobo haweeney ajnebi ka ah meel aan dad kale ka arkeyn iyadoo ninkeedii ama qof maxram u ahi la joogin waxaana laga hor tegayaa iney meesha ka dhacdo fitno iyo waxaan Alle raalli ka ahayn sida sinada ama waxyaalaha gogol xaarka u ah, waxaana ninka ajnebiga ah u bannaan inuu la fariisto haweenta haddii ay xijaaban tahay oo ninkeeda ama maxram la joogo.

Way i caayaan markaan xumaanta ka reebo
Su’aasha 237aad: Waxaan ahay gabar ardayad ah gabdho badan ayaan kulleejo ku wada jirnaa, Allaahna hanuun ayuu igu galladaystay oo diintayda ayaan ahmiyad siiyaa, waxaan aad u dhibsadaa falal aan wanaagsanayn oo ay sameeyaan gabdhaha ila deggen sida dhagaysiga heesaha iyo muusikada ama xanta iyo isku dirka in badanna waan waaniyey, qaar ka mid ah gabdhahaas markii aan waaniyo way igu jeesjeesaan iyagoo i yasaya, haddaba maxaa ila gudboon?

Jawaab: Waxaa kugu waajiba in aad xumaanta ka reebtid hadba sidii aad awooddid adigoo hadal qabow ku waaninaya isla markaana soo daliilsanaya aayado iyo axaadiis munaasib u ah hadba mawduuca aad kala hadlaysid, hana dhegaysan heesaha iyo xanta iyo iskudirkooda, camalkooda xun iyo caydooduna waxba kuma yeelayso maadaama aad u naseexaysey isla markaana aadan la wadaagin camaladooda xun, Allaah wuxuu yiri:
“Dadka xaqa rumeeyow naftiina mas’uuliyaddeeda ayaa idin saaran, waxna idin ma yeelayo ruuxa dhunsan haddii adinku aad toosan tihiin.”
Waxay arrintaasi kuu suurta gelaysaa in aad marka hore xumaanta reebtid, haddii ay dadku xumaanta ka hari waayaan naftaada ayaad ku dadaalaysaa xumaantooduna waxba kuma yeeli doonto Allaahna faraj ayuu kuu furi doonaa dadkana wuu ku anfici doonaa hanuunintaada haddii sabir iyo dulqaad aad la timaadid adigoo Allaah ajar ka dalbaya kuna bishaarayso khayr fara badan iyo cirib dambeed wanaagsan maadaama aad xaq ku sugan tahay isla markaasna aad waaninaysid ciddii aad xumaan ku aragtid,
Allaahna wuxuu yiri:
“Cirib dambeedka wanaagsan waxaa iska leh dadka Rabbigood ka cabsada.”
Aayad kalena wuxuu Alle yiri:
()
Aayad kalena wuxuu Alle ku yiri:
“Kuwa Dartayo u jihaada, waxaan ku hanuuninaynaa jidkayaga, Allaahna wuxuu la jiraa kuwa ka cabsada ee camalada wanaagsan sameeya (muxsiniinta).”

Cutubka Siddeed iyo Tobnaad – Akhlaaqda

AKHLAAQDA
Xukunka qaadka iyo sigaarka
Joojinta dhalmada
Shaqada haweenku qaban karaan
Jannada iyo xuural-caynta

AKHLAAQDA
Xukunka qaadka iyo sigaarka
Su’aasha 228aad: Muxuu yahay xukunka qaadka iyo sigaarka aad ugu dhex faafay Muslimiinta, muxuuse yahay xukunka in lala saaxiibo qof isticmaala labadaas nooc?

Jawaab: Shaki kuma jiro in qaadka iyo sigaarku xaaraan yihiin dhibaatooyinka faraha badan oo ay keenaan awgeed iyo waliba mar marka qarkood oo ay maanka dooriyaan, sida ay sheegeen dad lagu kalsoon yahay oo yaqaan labadaas noocba, culimadu waxay ka allifeen kutub fara badan waxaana culimadaas ka mid ah Sheekh Maxamed bin Ibraahiim Aala-Sheekh oo ahaa muftigii waddanka Sucuudiga Alle ha u naxariistee.
Qof kasta oo Muslim ah waxaa ku waajiba inuu isaga tago oo ka digtoonaado mana bannaana iibintooda iyo iibsigooduba lagamana ganacsan karo, lacagtooduna waa xaaraan, Allaah waxaan weydiisanaynaa inuu naga koriyo.
Ma bannaana in lala saaxiibo qof labadaas shay iyo wixii la mid ah oo maan dooriye ah isticmaala, waayo taasi waxay ka mid tahay jidadka qofku uu ku barto isticmaalkooda.
Qof kasta oo Muslim ah waxaa ku waajib ah inuu la saaxiibo dadka akhyaarta ah oo ka fogaado saaxiibada xun xun, Nabiguna wuxuu ku shabbahay la fariisiga qofka wanaagsan qof cadar wata oo kale wuxuuna yiri, “Waxay noqonaysaa inuu kuu mariyo ama aad ka iibsatid ama aad ur wanaagsan ka heshid.”

Su’aasha 229aad: Waa maxay xukunka in wax laga jaro ama la gaabiyo timaha sunniyaha?

Jawaab: Sunniyaha haddii la rifo, wuxuu ficilkaasi noqonayaa mid aan shareecada ku bannaanayn oo Rasuulku waa reebay, wuuna lacnaday tan sunniyaha rifta iyo tan ruux kala ka rifta.
Waxay arintaasi ka mid tahay dambiyada waaweyn ee kabaa’irta la yiraahdo khaas ahaan haweenka ayuu ula jeeday sababtoo ah iyagaa badanaaba isticmaala iyagoo qurux uga dan leh, haddiise uu ninku sidaas oo kale sameeyo la mid ayuu noqonayaa oo lacnaddaasi way ku dhacaysaa. Haddii la xiiro ama la jaro ahlu cilmiga qaarkood waxay u arkaan inay rifiddii la mid tahay sababtoo ah waxay yiraahdeen waa Allaah abuuristiisii oo la beddelayo qofka Muslimka ahna waxaa ku waajiba inuu ka dhawrsado lab iyo dheddig kii uu doono ha ahaadee.

Joojinta dhalmada
Su’aasha 230aad: Ma bannaan tahay in haweenku dhasha iska joojiyaan cudurdaar la’aan? Muxuuse yahay cudurdaarka arrintaas bannayn kara?

Jawaab: Culimadu waxay caddeeyeen dhasha oo si kama dambays ah loo joojiyo inay xaaraan tahay ayna lid ku tahay sida uu Nabigu ummaddiisa la doonayey (oo ahayd inay aad u bataan), waxayna arrintaasi sabab u noqon kartaa dulli Muslimiinta ku dhaca, sababtoo ah Muslimiintu markasta oo ay bataan sharaf iyo haybad baa u kordhaysa, Allaahna wuxuu ugu gallad sheegtay reer Banii Israa’iil inuu tarmiyey oo mujtamac ballaaran ka dhigay, wuxuuna yiri:
()
Nabi Shucayb wuxuu qoomkiisa xusuusiyey arrintaas wuxuuna yiri:
“Bal xusa markii aad ahaydeen kuwa yar oo uu idin badiyey.”
Waxaa arrintaas u markhaati kacaya xaqiiqada jirta oo ummad kasta oo tiradeedu badato waxaa u siyaada haybad uu ka haybaysto cadawgeedu iyo inay ka deeqtoonaato ummadaha kale, sidaas darteed ma bannaana in dhalmada si kama dambays ah loo joojiyo inay daruufi keento mooyaane, sida haddii aanay haweeneydu xamili karin uurka oo geeri looga cabsado, xaaladdaan oo kale daruuro ahaan ayay u bannaan tahay oo uuraysiga waa laga joojin karaa cudurdaarkaas awgiis ayaana loo baneeyey in dhalmadii la gooyo. Waxaa iyana taas la mid ah marka ay haweentu ilma galeenka ka jirran tahay oo laga cabsado inuu cudurku ku fido oo markaas ay duruuri noqoto in ilmagaleenka laga saaro, arrimahaas oo kale ayaa la oggol yahay in dhalmada loo joojiyo.

Shaqada haweenku qaban karaan
Su’aasha 231aad: Maxay tahay shaqada ay bannaan tahay inay haweenta Muslimadda ahi ka shaqayso iyadoon diinteeda khilaafayn?

Jawaab: Waxaa u bannaan inay qabato hawlaha haweenka gaarka u ah sida inay gabdhaha wax barto ama iskuulka gabdhaha maamule ama shaqaale ka noqoto iyo wixi la mid ah, waxay kaloo samayn kartaa inay gurigeeda ku tosho dharka haweenka iyo wixi la mid ah. Mana bannaana inay qabato shaqooyinka ragga u gaarka ah sababtoo ah waxaa ka dhalanaya is dhex gal, kaas oo fitno weyn ah ayna waajib tahay in laga digtoonaado, Nabigu wuxuu yiri:
“Gadaashay kama aanan tegin fitno ragga uga daran tan haweenka.”
Waxaa ninka ku waajiba inuu ehelkiisa ka dheereeyo meelaha fitnadu ka iman karto iyo sababaha fitnada keenayaba mar kastaba.

Jannada iyo xuural-caynta
Su’aasha 232aad: Waxaa jirta in jannada lagu sheegay haween xuural-cayn ah oo ragga loo diyaariyey, haddaba haweenku iyagu rag meesha ma ku leeyihiin?

Jawaab: Allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu Qur’aanka kariimka ah ku sheegay jannada wuxuuna yiri:
“Waxaad ku leedlhiin (jannada) wax kasta oo ay naftiinu jamato iyo wax kasta oo aad dalbataan, waana marti qaad uu idinku marti qaaday Allaha dambi dhaafka iyo naxariista badan.”
Wuxuu sidoo kale yiri:
“Waxaa dhexdeeda ah wax kasta oo naftu doonto indhuhuna ku qabowsadaan, waadna ku waaraysaan waligiin.”
Waxaan ognahay in guurku yahay waxyaalaha ay naftu doonto kuwa ugu sarreeya jannadana waa laga helaa oo way leeyihiin ahlu jannadu rag iyo dumar kay doonaan ha ahaadeene haweentana Allaah jannada wuxuu ugu guurinayaa ninkeedii ku qabi jirey adduunka Allaahna wuxuu yiri:
“Ilaahaw geli jannooyinkii aad u ballanqaadday iyaga iyo wixii wanaagsanaada oo ka mid ah aabbayaashood iyo xaasaskooda iyo awlaaddooda.”
Haddii adduunka laba nin ay soo guursadeen waa la kala dooransiinayaa kii ay doonto, haddii adduunka aysan guur ku soo marin Ilaahay ayaa u guurinaya xuural-ciinta nin ay isheedu ku qabowsato, nicmada jannadu ragga oo kaliya kuma koobna oo rag iyo dumarba way u dhexaysaa guurkuna wuxuu ka mid yahay nicmooyinkaas waxaase laga yaabaa qofku in uu is yiraahdo Ilaahay wuxuu sheegay xuuralcayn dumar ah mana uu xusin inay haweenku rag leeyihiin, waxaan taas leenahay haweenka rag ayaa loo xusay iyagana, waayo ninku isaga ayaa ah kan (guurka) doona.

Cutubka Toddoba iyo Tobnaad – Dahabka

DAHABKA
Dahabka xirashadiisa iyo haweenka
Dahabka deyn ma lagu qaadan karaa

DAHABKA
Dahabka xirashadiisa iyo haweenka
Su’aasha 223aad: Muxuu yahay xukunka haweenku inay dahab xirtaan?

Jawaab: Way u bannaan tahay haweenku inay dahab xirtaan waxaana arrintaas shardi u ah in aan lagu xad gudbin, si uusan israaf u noqon, haddii dahabka xirashadiisa xadkiisa la dhaafiyo waxay noqonaysaa israaf, Allaahna subxaanahu watacaala wuxuu yiri:
“Cuna oo cabba (wuxuu Alle idinku irsaaqo) hana ku xad gudbina, Allaah ma jecla kuwa xad gudubka badan.”
Marka Allaah ma jecla israafka iyo mubadarnimada haddii ay noqoto cunitaan iyo cabitaan, labbis iyo gaadiid iyo wixi la mid ah, sidaas darteed waxaan leenahay haweenta way u bannaan tahay inay xirato dahab iyo qalin iyo waxyaalaha kale ee ay isku qurxiyaan iyadoo aan lagu israafayn.

Su’aasha 224aad: Muxuu yahay xukunka iibka dahabka loo sameeyey qaab noole oo kale sida mas madixiis, balanbaalis iyo wixi la mid ah?

Jawaab: Dahabka iyo qalinka loo sameeyey qaabka xayawaanka oo kale waa xaaraan in la iibiyo iyo in la iibsado waana xaaraan in lagu labbisto sababtoo ah ruuxa Muslimka ah waxaa ku waajiba inuu suuliyo sawir kasta oo noole lagu shabbahay.
Kitaabka Saxiixa ah ee Muslim wuxuu qoray in Abu Hiyaaj yiri, “Cali bin Abuu Daalib ayaa igu yiri, ‘Miyaysan habboonayn in aan kuu diro wuxuu ii diray Rasuulka Allaah, oo ah in aad burbirisid sawirradoo idil iyo in aad dhulka la sintid qabri kasta oo kor loo dhisay?’”
Waxaa kaloo jira inaysan malaa’igtu soo gelayn guri sawir yaallo, sidaas awgeed waa inay Muslimiintu iska ilaaliyaan waxyaalaha sawirrada leh iibsigooda iyo iibintoodaba.

Dahabka deyn ma lagu qaadan karaa
Su’aasha 225aad: Naag ayaa waxay jinjimo dahab ah ku iibsatay lacag la isla xaddiday, dayn ahaan ayayna ku qaadatay haddaba arrintaas ma bannaan tahay?

Jawaab: Ma bannaana in dayn lagu qaato dahabka iyo qalinka, sidaas ayayna culimadu isku waafaqsan yihiin waxaana waajib ah in la celiyo haddii jinjimahii la hayo ama lacagtoodii la bixiyo.

Su’aasha 226aad: Ma bannaan tahay in qofka dahabka iibsanaya uu lacagta qaar bixiyo oo ku yiraahdo qofka dahabka leh, dahabka hayso ilaa aan lacagta kaaga soo dhammaystirayo?

Jawaab: Ma bannaana arrintaasi sababtoo ah haddii uu iibsado wuxuu iibkaasi u dhacayaa in dahabkaasi mulkigiisa uu ka wareegay qofkii lahaa una soo wareegay qofka iibsaday isagoon lacagtii bixin arrintaasina waa xaaraan waxaana waajib ah inuu bixiyo lacagta oo dhammaystiran, markaas hadduu doono ii hay ha yiraahdo ama haka qaato, haddii la gorgortamo oo iyadoon iibku dhicin uu tago oo uu lacagta soo dhammaystiro kaddibna la kala iibsado arrintaasi way bannaan tahay sababtoo ah beecu ma dhicin lacagtoo kaamil ah mooyaane.
Su’aasha 227aad: Waxaa dhacda in dadka dahabka iibiyaa ay lacagta jeeg ahaan u qaataan iyagoo naftooda iyo maalkooda u cabsanaya, maadaama ay arrintaasi jirto ma bannaan tahay in dahabka jeeg lagu iibsado haddii jeeggaasi yahay mid isla maalintaas lacagta lagu qaadan karo?
Jawaab: Ma bannaana in dahabka jeeg lagu iibsado sababtoo ah ma ahan kaash gacanta la isaga dhiibay oo kale ee waa xawilaad, waxaana u daliil ah qofka jeegga qaatay haddii uu jeeggu ka dhumo wuxuu soo raadinayaa qofkii jeegga siiyey, haddiise uu kaash ahaan lacagtiisa u qaadan lahaa ma soo raadiyeen, waxaana arrintaas caddaynaya matalan haddii ninka dahabka gadaya lacagta kaash loo siiyo kaddibna ay ka dhunto ma raadsanayo ninkii lacagta siiyey, haddiise jeeg ahaan loo siiyo oo intuu bangiga la aado ay ka dhunto wuxuu soo raadinayaa qofkii jeegga siiyey taas ayaana kuu caddaynaysa inuusan jeeggu kaashka gacanta la isaga dhiibayo la mid ahayn, haddii aanu kaashka la mid ahaynna iibku ma ansaxayo sababtoo ah Nabigu wuxuu amray marka dahab lagu gadanayo lacag (qalin) in aan dayn lagu qaadan ee gacan saar kaashka loo bixiyo.
Haddii jeegga laga tasdiiqiyo bangiga oo ninka dahabka leh uu la hadlo bangiga oo uu ku yiraahdo lacagta intaas ah ii hay aniga ayaa jeeg ahaan u haystee, markaas waxaa laga yaabaa inay bannaan tahay.

Cutubka Lix iyo Tobnaad – Labbiska iyo Xijaabka

LABBISKA IYO XIJAABKA
Galitaanka suuq haweenku iyo raggu isku dhafan yihiin
Kabaha dhaadheer iyo rooseetada
Eegmada
Cawrada haddii ay daruuri noqoto in la fiiriyo
Burukada
Dharka gaagaaban ee gabdhaha loo xiro
Waa waajib in khaadimadda la faro xijaabka
Haweenku sanka ama dhegaha ma dalooshan karaan?
Uma bannaana in ay haweentu surwaal xirato
Gaabinta timaha
Ciddiyaha rinjiga la marasado iyo kabaha taakada dheer leh
Ciddiyaha la dheeraysto
Rajabeetada naasaha lagu xidho
Muslimaddu hablaha gaalada ah ka xijaaban mayso
U xijaabidda haweenka loogama dan lahan Xabsi
Gogol ma kula seexan karaa wiilku walaashiis iyo hooyadiis
Xaaskaygu kama xijaabato ilma adeerraday
Gabdhaha aan qaan gaarin guriga ma ka bixi karaan xijaab la’aan mase tukanayaan
Gabar xijaabkii laga siibay
Ninkaygu wuxuu iiga raalli yahay in aanan xijaaban
Itaageerta madaxa lagu xidho
Dharka ciriiriga ah
Marada oo la dheereeyo ilaa ay dhulka xaabto

LABBISKA IYO XIJAABKA
Galitaanka Suuq haweenku iyo raggu isku dhafan yihiin
Su’aasha 200aad: Ruuxa Muslimka ah ma u bannaan tahay inuu galo suuq ganacsi isagoo og in suuqaas ay joogaan haween qaawani ayna ka jirto isku dhafnaan rag iyo dumar oo aanu Allaah ka raalli ahayn?

Jawaab: Suuqa caynkaas oo kale ah ma bannaana inuu galo qof aan dadka wannaagga fareyn xumaantana ka reebayn, qofkiise dani ka gasho oo ka fursan waaya haddii uu galo waa inuu indhihiisa laabo aadna u feejignaado oo uu ilaashado diintiisa iyo sharaftiisa iskana ilaaliyo meel kasta oo shar uga imaan karo, waxaana ku waajiba dadka awoodda u leh iney ka hor tagaan munkarkaas oo ay galaan suuqyada caynkaas oo kale ah, dadkana uga digaan cawaaqib xumadeeda iyagoo ka duulaya qawlka Allaah ee ah:
“Mu’miniinfa rag iyo haweenba qaarkodd qaarka kale waa u sokeeye waxayna faraan wanaagga xumaantana way ka reebaan.”
Wuxuu kaloo Alle yiri:
“Ha la idinka helo ummad wanaagga dadka ugu yeedha xumaantana ka reebta, waana kuwaas kuwa liibaanay.”
Aayadaha macnahaan oo kale tusinaya way fara badan yihiin Nabiguna wuxuu yiri:
“Qofkii xumaan arkaa gacantiisa haku dooriyo, haddii uusan awoodin carrabkiisa haku dooriyo haddii aanu awoodin qalbiga haka kahdo waana kaas kan iimaanka ugu daciifsan.”

Kabaha dhaadheer iyo rooseetada
Su’aasha 201aad: Waa maxay xukunka in haweenku labistaan kabo dhaadheer iyo waxyaalaha kale ee la isku qurxiyo sida rooseetada oo kale?

Jawaab: Ma bannaana inay haweenku labbistaan kabaha dhaadheer haddii ay sidaasi khilaafayso caadada oo ay haweenka kale ka dhex muuqanayso.
Allaahna wuxuu yiri: “Ha u wareegaysanina (adinkoo is qaawinaya) sidii jaahiliyadii hore.”
Mana bannaana inay haweentu dibadda ula soo baxdo wax kasta oo ay isku qurxiso oo ay haweenka kale uga muuqanayso, dhibna ma lahan waxyaalaha kale ee ay haweenku isku qurxiyaan sida rooseetada iyo wixi la mid ah.
Waxaan iyana bannaanayn inay haweenku iska rifaan timaha sunniyaha ama ay qaar ka xiiraan, Rasuulkuna haweenka sidaas sameeya iyo kuwa lagu sameeyo wuu nacladay, waxaa iyana taas la mid ah inay ilkahooda qoraan oo ay fanax isu yeelaan dhammaantoodna Rasuulku wuu nacladay. 

Eegmada
Su’aasha 202aad: Waa maxay xukunka inay raggu eegaan jirka ama wajiga haweenka heesa ama kuwa jileyaasha ah ee laga soo daayo taleefishinka ama shineemooyinka iyo kuwa sawirrada ah ee waraaqaha ku yaal?

Jawaab: Haweenka iyo sawirradoodaba, sawirkaasi ha ahaado mid warqad ku yaal ama taleefishin ama joornaal dhammaan waa xaaraan in la fiirsado sababtoo ah fitnaa ka dhalanaysa Allaahna wuxuu yiri:
“Nabi Alloow ku dheh mu’miniinta indhihiina laaba xubnihiinana (sinada) ka ilaaliya, sidaas ayaana u wanaagsan, Allaahna waxay samaynayaan si fiican ayuu ula socdaa.”

Cawrada haddii ay daruuri noqoto in la fiiriyo
Su’aasha 203aad: Waxaan dhigtaa kulliyad caafimaad waxaan bartaa cudurrada haweenka iyo dhalintooda, waxaa dhacda markii qalliin la samaynayo in aan fiirsanno si aan uga faa’idaysanno imtixaankana ugu baasno arrintaasina waxay noo soo jiiddaa mashaakil waxaana idinka rajaynaynaa in aad noo bayaanisaan xukunkeeda?

Jawaab: Asal ahaan rag iyo dumarba waxaa ku waajiba inay cawradooda asturaan, ninka cawradiisu waa laga billaabo xuddunta ilaa iyo lawyaha, haweenka xorta ah kulligood waa cawro marka laga reebo wajiga iyo calaacalaha oo markay tukanayso iyo markay xajinayso aan la asturayn, haddiise rag arkayo iyaduna arkayso waxaa ku waajiba inay wajiga iyo jirkeeda oo dhan qariso waana isku mid xaaladdan haddii ay tukanayso ama ay xaj iyo cumro gudanayso.
Way bannaan tahay in cawrada la feydo haddii ay duruufi keento si sharciga waafaqsan, sida haddii ardayga ama ardayaddu fiirsadaan qalliin la xiriira cudurrada haweenka iyo dhalintooda si ay uga faa’idaystaan imtixaankana ugu najaxaan fasalkaasna uga gudbaan oo u gaaraan fasal kale ilaa ay jaamicadda ka qalin jabinayaan, bannaynta arrintaas la bannaynayo maslaxad weyn ayaa ku jirta taas oo ah in la soo saaro dhakhaatiir fara badan oo Muslimiin ah oo rag iyo dumarba leh, haddii arrintaas la is hortaago waxay noqonaysaa in loo baahdo dhakhaatiir gaalo ah oo fara badan arrintaasna fasahaad weyn ayaa ka imanaya, shareecada Islaamkuna wixii maslaxadi ku jirto ayay sharciyaysaa oo taageertaa wixii fasahaad ka imanayana way is hortaagtaa sidaa ayayna u timid.

Burukada
Su’aasha 204aad: Ma bannaan tahay inay haweenku buruko labbistaan iyagoo raggooda isu qurxinaya?

Jawaab: Way bannaan tahay labada is qabaa inuu mid walbaa kan kale isugu qurxiyo waxa uu jecel yahay xiriirkoodana xoojinaya, waase inay waxa la isku qurxinayaa noqdaan wax ay diintu oggoshahay oo aan xaaraan ahayn, sideedana burukada waxaa laga bartay oo isticmaalkeeda ku caan baxay haweenka gaalada, sidaas darteed haweenka Muslimiinta ah haddii ay labbistaan waxay isku shabaheen haweenkii gaalada xataa haddii ay raggooda isugu qurxinayaan, arrintaasina ma bannaana oo Nabigu wuu reebay wuxuuna yiri:
“Qofku cidda uu isku shabaho ayuu ka tirsan yahay.”
Tan kale burukadu waxay la macne tahay timaha lagu dabo timaha kale oo lagu dheereeyo, arrinkaasna Rasuulku wuu reebay, haweenka sidaas sameeyana wuu lacnaday.

Dharka gaagaaban ee gabdhaha loo xiro
Su’aasha 205aad: Haweenka qaarkood – Allaah ha hanuuniyee – waxay gabdhahooda yar yar u labisaan dhar gaagaaban haddii aan u naseexayno waxay nagu yiraahdaan annaguba dharkaas waannu soo xiran jirney wax dhib ahna nagama soo gaarin, sidee ayaad arrintaas u aragtaan?

Jawaab: Waxaan arkaa inaysan ruuxna u bannaanayn inuu gabdhihiisa yar yar u labiso dharkaas, si aanay uga caado yeelan oo markay weynaato arrintu ula fududaan.
Waxaad arkaysaa marka gabdhaha yar yar lagu barbaariyo xushmad iyo xishood inay markay weynaadaan halkaas ka sii anba qaadayaan, waxaan ku waaninayaa walaalahayga Muslimiinta ah inay ka haraan xirashada dharka gaalada cadawga u ah diinteena, gabdhahoodana ay qabatinsiiyaan dharka asturan iyo xishoodka, xishoodkuna wuxuu ka mid yahay iimaanka.

Waa waajib in khaadimadda la faro xijaabka
Su’aasha 206aad: Waajib miyaa in khaadimaddu ka xijaabato dadka ay u shaqaynayso?

Jawaab: Khaadimadda waxaa ku waajib ah inay ka xijaabato ragga ay u shaqaynayso, waana inaysan quruxdeeda u muujin, isagana waa ka xaaraan inuu la kali noqdo sida ay diintu qabto, waayo haddii loo xijaabi waayo oo bilicdeeda bannaanka la soo dhigo fitno iyo fasahaad ayaa ka dhalanaya, sidoo kale haddii uu la kaliyoobo shaydaanka ayaa u qurxinaya xumaan waxaana laga yaabaa inuu ku fidnoobo. Allaah ayaan kaalmo weydiisanaynaa.

Haweenku sanka ama dhegaha ma dalooshan karaan?
Su’aasha 207aad: Muxuu yahay xukunka inay haweenku xirtaan san gashi?

Jawaab: Way bannaan tahay inay haweentu xirato waxyaalaha la isku qurxiyo sida caadiga ah, xataa haddii ay is qurxintaasi sababayso in jirka la dalooliyo sida dhegaha, waxaana rajaynayaa in sanka oo la dolooliyaa bannaan tahay, sida ay awrtaba ay u bannaan tahay in laga dalooliya sanka oo hoggaan lagu xiro iyadoo aan arrintaas lagu tirin inay tahay silic dilyayn.

Uma bannaana in ay haweentu surwaal xirato
Su’aasha 208aad: Miyay bannaan tahay in ay haweenku xidhaan surweel?

Jawaab: Haweerika uma bannaana in ay ku labistaan dhar ku dhaggan oo jirkooda muujinaya si looga fogaado fitno, surweelku sida qaalibka ah waa cariiri jirkana wuu muujiyaa, sideedana xirashada surweelka ragga ayaa lagu yaqaan. Haddii ay haweenku xirtaan waxay isku shabaheen raggii, Nabigu wuu lacnaday haweenka ragga isu ekaysiiya.

Gaabinta timaha
Su’aasha 209aad: Waa maxay xukunka in haweenku timahooda gaabiyaan?
Jawaab: Culimada fiqiga ee Xanbaliyada qaarkood waxay sheegeen inay karaahiyo tahay inay haweentu timaha madaxa jarto wixii aan xaj iyo cumro ahayn, qaar kale oo culimadaas ka mid ahna wayba xaaraantinimeeyeen arrintaas, hase yeeshee wax daliil ah arrintaas uma ay keenin.
Anigu waxaan rajaxayaa inaysan bannaanayn inay haweentu u jarato sida ragga oo kale ama ay u jarato sida naagaha gaaladu u jartaan oo kale, sababtoo ah Nabigu wuu lacnaday naagaha ragga isu ekaysiiya, wuxuu sidoo kale yiri, “Qofku wuxuu ka tirsan yahay cidda uu isku shabbaho.”
Marka aan sidaas oranayo ma ahan in aan ku qanacsanahay ama aan arrinkaas guubaabinayo balse waa arrin murugo leh in rag iyo dumarba wax kasta oo cusub iska raacno iyadoo berri dhibkeedu dib inoogu soo noqonayo oo laga yaaabo in aan ka qaadanno dhaqamada shisheeyaha fikrado iyo caqiidooyin iyo akhlaaq aan u habboonayn qofka Muslimka ah, waxaa habboon qofku inuu ku dhegenaado dhaqanka dadkooda asalka u ah haddii aanu shareecada khilaafayn.
Ciddiyaha rinjiga la marasado iyo kabaha taakada dheer leh
Su’aasha 210aad: Muxuu yahay xukunka haweenku inay xirtaan kabaha taakooyinka dhaadheer iyo inay ciddiyaha marsadaan rinji, keebaase wanaagsan xinnaha iyo rinjiga, mase bannaan tahay in ay xinne marsadaan iyagoo macduur ah?

Jawaab: Ma bannaana inay haweenku labbistaan kabaha dhaadheer sababtoo ah waxay halis u yihiin inay la dhacaan, insaankana Allaah wuxuu faray in aanu khatar is gelin wuxuuna yiri:
“Naftiinna ha halaagina.”
Aayad kalena wuxuu ku yiri:
“Nafihiinna ka dilina.”
Tan kale kabahaasi waxay muujinayaan haweenta jooggeeda, waxayna ka soo saarayaan wax aysan ahayn, iyagoo muujinaya qaar ka mid ah quruxdii la amray inay qariyaan.
Allena wuxuu yiri:
“Yaysan u muujin quruxdooda raggooda mooyee, iyo aabayoowgood iyo ninkooda aabbihiis, iyo wiilashooda iyo nimankooda wiilashooda iyo walaalahood iyo wiilasha walaalahood iyo wiilasha gabdhaha ay walaalaha yihiin, iyo haweenkooda (Muslimka ah).”
Sidoo kale ma bannaana rinjiga ciddiyaha la marsado, waayo ciddiyaha ayuu ka hor istaagayaa inay biyaha weysada ahi gaaraan, haweenka macduurka ah ma garanayo wax u diidaya inay cillaan marsadaan.

Ciddiyaha la dheeraysto
Su’aasha 211aad: Maxay diintu ku qabtaa ciddiyaha la dheeraysto?

Jawaab: Ciddiyaha la bixidoodu waa arrin khilaafsan sunnada, Nabigu wuxuu yiri:
“Fidradu waa shan: gudniinka, timaha hoose oo la iska xiiro, shaaribada oo la iska gaabiyo, iyo timaha kilkilada oo la iska rifo iyo ciddiyaha oo la iska jaro.”
Mana bannaana in aad daysatid ciddiyaha muddo ka badan afartan cisho, sida laga wariyey Anas wuxuuna yiri:
“Rasuulku wuxuu noo xaddiday gaabinta shaaribada iyo ciddiyaha iyo rifidda timaha kilkilada iyo xiiridda timaha hoose, wuxuu na faray intaas oo dhan in aan la deysan muddo ka badan afartan cisho, deysashadoodana waxaa ka imanaya iyadoo la isku shabahayo xayawaanka iyo qaar gaalada ka mid ah.”

Rajabeetada naasaha lagu xidho
Su’aasha 212aad: Muxuu yahay xukunka inay haweenku raajabeeto naasaha ku xidhaan?

Jawaab: Haweenka qaarkood waxaa caado u ah inay naasaha raajabeeto ku toosiyaan, si ay naasahoodu u taagmaan oo raggu ugu maleeyo inay da’ yar tahay ama ay tahay inan, qasdigaas haddii rajabeetada loo xirto waxay noqonaysaa qish waana xaaraan xirashadoodu, haddiise loo xirto baahi loo qabo way bannaan tahay xirashadoodu.

Muslimaddu hablaha gaalada ah ka xijaaban mayso
Su’aasha 213aad: Waxaa noo joogta gabar jaariyad ah oo gaalo ah, haddaba miyaan ka xijaabanaynaa, mase ii bannaan tahay in aan ku tukado dharka ay ii dhaqdo?

Jawaab: Sida saxiixa ah waajib ma ahan in aad ka xijaabatid haweentaas sida aadan hablaha kaleba uga xijaaban, dhibna malahan in aad ku tukatid dharka ay dhaqdo ama wax ku cuntid weelasha ay dhaqdo, waxaase waajiba haddii heshiiska aad la gasheen dhammaado in aad iska dhoofisaan haddii aysan islaamin, sababtoo ah Jasiiradda Carabta ma bannaana inay ka jirto diin aan diinta Islaamka ahayn, mana bannaana in shaqaale gaalo ah la keeno, shaqaalahaasi ha ahaado khaadimiin ama shaqaalo kale, rag iyo dumar kuu doono ha ahaado, waayo Nabigu wuu ka dardaarmay in mushrikiinta laga saaro Jasiiradda Carabta laba diinoodna aysan ku kulmi karin, sababtoo ah waa ubucdii Islaamka iyo qorrax ka soo bixii diinta Islaamka mana bannaana inay ka jirto diin aan ahayn diinta Islaamka.

U xijaabidda haweenka loogama dan lahan xabsi
Su’aasha 214aad: Ma bannaan tahay in xiriirka loo gooyo qof Muslim ah oo tukada salaadaha waajibka ah hase yeeshee aan u xijaabin hablihiisa, mase bannaan tahay in salaad lagu xirto?

Jawaab: Macnaha looga dan leeyahay xijaabku ma ahan in haweenka la xabiso oo bixidda loo diidayo ee ahmiyadda laga leeyahay waa inay haweentu iska asturto ragga ajaanibta ka ah, gurigeedana aysan ka bixin iyadoo xiran dhar jilicsan ama ku dheggan oo jirkii muujinaya, haweentii sidaas fashana waxaa waajib ah in loo naseexeeyo iyada iyo cidda mas’uulka ka ahba, haddii ay naseexada iyo waanada qaataan waa Ilaahay mahaddiis, haddii ay diidaan naseexada mas’uuliyiinta meeshaas waxaa ku waajibaya inay wax ka qabtaan arrintaas iyo in wajiga loo xumeeyo xiriirkana loo jaro si ay u waano qaataan, Rasuulkuna wuxuu yiri:
“Ruuxii munkar arka gacantiisa wax ha kaga qabto, haddii uu kari waayana carrabkiisa, haddii uu kari waayana qalbiga ha ka kahdo, waana tan ugu daciifsan iimaanka.” Waxaa wariyey Axmed iyo Muslim iyo culimada kutubta Sunanta la yiraahdo iska leh.
Imaamnimada salaadda ee ninkaas hablihiisa u xijaabi waayey, ruuxii og haddii uu ninkaas ka goosto oo aanu salaadda la tukan, inay arrintaasi faa’iido keenayso oo uu is waansanayo hablihiisana u xijaabayo, waxaa ku waajiba in aanu la tukan sababtoo ah munkarka in la reebaa waa waajib, qofkii helaya cid isaga ka wanaagsan ee uu la tukado waa inuusan ninkaas la tukan, laakiin ruuxii ka cabsanaya inay salaadda jamaacadu dhaafto ama uu jamaacada haleeli waayo waa inu ninkaaas la tukado, sababtoo ah salaadda jamaacada iyo Jimcaduba waa waajib.

Gogol ma kula seexan karaa wiilku walaashiis iyo hooyadiis
Su’aasha 215aad: Ma bannaan tahay inuu wiil toban jir ah la seexdo hooyadiis iyo walaashiis?

Jawaab: Haddii wiilashu toban jirsadaan ma bannaana inay la seexdaan hooyadood ama walaashood iyadoo anshaxa la ilaalinayo, wixii fitno keenayana laga fogaanayo, Nabigu wuxuu yiri:
“Carruurtiina salaadda ku fara todaba jir, haddii ay toban gaaraanna ku garaaca, jiifkana u kala duwa.”
Allaah wuxuu faray carruurta aan wali qaan gaarin markay guriga soo galayaan inay idan dalbaan saddex waqti ee la is leeyahay dadku waa kala daadsan yihiin, wuxuuna Qur’aanka ku yiri:
“Kuwa xaqa rumeeyoow ha idin warsadeen idan (markay guriga soo gelayaan) kuwa ay hanatay gacantiinnu (addoonta) iyo kuwa aan qaan garin oo idinka mid ah saddex waqti, salaadda subax ka hor iyo markaad iska dhigtaan dharka duhurkii, iyo salaadda cishaha kaddib, waa saddex waqti oo cawro ah (la nasto) ma aha korkiinna iyo korkooda midna dhib intaas kaddib (waqtiyada kale), way idin kor socdaan (shaqeeyaan), qaarkiinna qaar buu ka ahaaday, saasuuna idiinku caddayn Allaah aayaadkiisa, Allaahna waa oge falsan.”
Sidaasna waxaa loo yeelay in la dhowro sharafta iyo anshaxa lagana hor tago sharta iyo jidadka ay ka iman karto, wiilasha wixii toban jir ka yar way la seexan karaan hooyadood iyo walaalahoodba, waayo waxay u baahan yihiin xanaano.
Haddii aan fitno laga cabsanayn way u bannaan tahay wiilasha qaan gaaray inay qol la seexdaan hooyooyinkood iyo walaalahood iyadoo gogoshoodu gooni u tahay oo aan hal firaash ku wada seexanayn.

Xaaskaygu kama xijaabato ilma adeerraday
Su’aasha 216aad: Waxaan ahay nin xaas leh waxayna ii haysaa afar carruur ah, salaadaha way tukataa guriga waajibkiisana way gudataa, hase yeeshee waxaan kala quustay inay ka xijaabato ilma adeerradeed, waxaan u dawcooday ehelkeeda oo aan ka codsaday inay gabadha xijaabka faraan wayna diideen, waxaan ogaaday inay iyagu gabadha xijaabka u diidayaan, siyaabo kale duwan ayaan isugu dayey in aan arrintaas wax ka qabto natiijana kama gaarin, ugu dambayntii waxay reerkoodu iga codsadeen in aan gabadha iska furo ama aan sidaas ku haysto, haddaba maxaad igula talinaysaan?

Jawaab: Haweenta waxaa ku waajiba inay ka xijaabato ilma adeerradeed iyo ragga kale oo ajnabiga ka ah oo dhan Allaahna wuxuu yiri:
“Haddii aad wax weydiinaysaan (haweenka Nabiga) ka weydiiya asturka gadaashiisa, saasaana u daahirnimo badan (u fiican) quluubtiina iyo quluubtoodaba.”
Xijaabku wuxuu ka ilaalinayaa fitnada, adiga iyo ehelkeedana waxaa idinku waajib ah in aad u naseexaysaan oo u digtaan, hana ku degdegin in aad furtid maadaama ay waajibaadkii kale ee guriga si wanaagsan u gudanayso, waxaa laga yaabaa in iimaankeedu ku xanbaaro inay addeecdo Allaah iyo Rasuulkiisa iyo ninkeedaba xijaabkana qaadato.

Gabdhaha aan qaan gaarin guriga maka bixi karaan xijaab la’aan mase tukanayaan?
Su’aasha 217aad: Gabdhaha aan wali qaan gaarin ma bixi karaan iyagoon xijaabnayn, salaaddase ma tukan karaan iyagoon hagoognayn?

Jawaab: Cidda mas’uulka ka ah gabdhaha aan wali qaan gaarin waxaa ku waajiba inay ku tarbiyadeeyaan aadaabta Islaamka ayna faraan inaysan bixin astur la’aan si ay u qabatimaan akhlaaqda wanaagsan loogana hor tago fasahaadka, waana in la faro inay hagoogtaan markay tukanayaan, haddiise ay hagoog la’aan tukadaan salaaddoodu way ansaxaysaa, Rasuulku wuxuu yiri:
“Alle ma aqbalo salaadda haweeney qaan gaartay hagoog la’aan.” Waxaa wariyey Tirmidi.

Gabar xijaabkii laga siibay
Su’aasha 218aad: Waxaan ahay gabar ku dhex nool qoys khuraafaad ku badan yahay, markii aan xijaabto waxaan kala kulmaa dhib fara badan, way igu jeesjeesaan oo i garaacaan waxayna ii diidaan in aan guriga ka baxo oo waxaa khasab igu noqota in aan xijaabka ka tago, oo aan go’ weyn qaato, wajigana aanan qarsan haddaba maxaad igula talinaysaan?

Jawaab: Su’aashaani laba arrimood ayay kulminaysaa: Tan hore waa sida xun oo gabadhaas reerkoodu ula dhaqmaan, laba mid bayna noqon kartaa:
Inay jaahiliin yihiin
Inay diinta ku jeesjeesayaan.
Xijaabkuna waa sharaf waana waajib. Haddii aysan dadkaasi ogeyn inuu xijaabku waajib yahay waa in loo sheego inuu waajib yahay, haddiise ay og yihiin oo ay iska weyneynayaan waa musiibo weyn, sida nin horay u yiri:
“Haddii aadan garanayn waa musiibo, haddii aad garanaysidna musiibadu ka sii weyn.”
Gabadhaas waxaa ku waajiba inay Allaah ka cabsato intii ay awooddo, xijaabkana ay qaadato iyadoo is qarinaysa, haddiise ay garaacaan kuna khasbaan inay xijaabka siibto, wax dambi ah kuma ay lahan Allaahna wuxuu yiri:
“Kuwa Allaah ku gaaloobay rumayn kaddib (ee mudan halaag) ruuxase lagu qasbay (gaalnimo) qalbigiisuna ku xasilan yahay iimaanka mooyee, ruuxiise laabtiisu u waasac noqoto (rumayso) gaalnimo waxaa korkooda ah caro Alle, waxayna mudan cadaab weyn.”
Wuxuu kaloo Alle yiri:
“Dambi kuma lihidin wixii aad ku geftaan waxaadse u qoolan tihin wixii aad kas u samaysaan, Allaahna waa dambi dhaaf badane naxariis badan.”
Waxaa lagaa doonayaa in aad Allaah ka cabsatid intii karaankaa ah.
Haddii gabadhaas ehelkeedu aysan fahmayn xikmadda ku jirta haweenka la xijaabayo, waxaan ku leenahay: Waxaa ku waajiba qofka Muslimka ah inuu u hoggaansamo amarka Allaah iyo amarka Rasuulkiisa xigmadda amarkaas ku jirta ha fahmo ama yaanu fahmin, waayo hoggaansanka qudhiisa ayaa xigmad ah, Allena wuxuu yiri:
“Mu’minad iyo mu’min uma habboona (umana bannaana) wixii Allaah iyo Rasuulkiisu xugmiyaan inay ka bayraan oo khiyaarkooda raacaan, qofkii Allaah iyo Rasuulkiisa caasiya wuxuu dhumay dhumid cad.”
Xijaabka waxa loo sharciyeeyey mugdi kuma jiro oo haweenka haddii la fasaxo astur la’aan fitmo ayaa dhacaysa waxaana badanaya sino iyo foolxumo, haddii ay taasi dhacdana waxay daliil u tahay in mujtamacaasi halaagsamayo.

Ninkaygu wuxuu iiga raalli yahay in aanan xijaaban
Su’aasha 219aad: Ninkaygu wuxuu iiga raali yahay in aanan ka xijaaban nin ay qaraabo yihiin oo isagana xaaskiisu aysan ka xijaaban ninkayga, haddaba arintaasi ma bannaan tahay?

Jawaab: Arrintaas kuuma bannaana ninkaagana kuma addeecaysid xataa haddii uu ninkaasi yahay walaalkiis ay isku hooyo iyo aabbe yihiin.
Astur la’aantu waxay ka mid tahay waxyaalaha fitnada keena, sidoo kalena haweenta kale uma bannaana inay iyaduna ninkeeda ku addeecdo astur la’aanta ay ninkaaga ku qaabilayso.

Itaageerta madaxa lagu xidho
Su’aasha 220aad: Waa maxay xukunka inay haweenku xidhaan itaageer (macnaha waa inay timaha kor u shanleeyaan oo ay dhex geliyaan wax u diidaya inay geesaha u soo kala dhacaan oo timaha dhan kor u taagmaan ama waxa ay ku magacaabaan kacki?

Jawaab: Dadka ahlu cilmiga ah waxay qabaan in hab shanlaysiga caynkaas ah oo timaha kor loo taagayo uu soo galayo waxyaalo Rasuulku uu ka digay isagoo xadiis ku yiri, “Laba nooc oo ahlu naarka ka mid ah wali ma aanan arkin iyagoo kale,” wuxuuna yiri isagoo xadiiska sii wada, “Haween dhar qaba oo qaawan oo ka leexday jidkii toosnaa dadkana ka leexinaya, madaxoodana aad moodaysid kuruska geela oo kale.”
Marka haddii timaha kor loo taago waxay noqonayaan nooca xadiiska ku xusan oo kale haddiise timaha ay gadaal u raariciyaan dhibaato malahan, waxaase ka xaaraan ah inay suuqa u soo baxdo iyadoo timaheedu ka muuqdaan hagoogta geesaheeda ama gadaasheeda, fitno ayaana arrintaas ka dhalanaysa mana bannaana waana is qaawin.

Dharka ciriiriga ah
Su’aasha 221aad: Waa maxay xukunka inay haweenku labbistaan dhar ciriiri ku ah oo ku dheggan iyadoo la joogta haween kale ama rag maxram u ah?

Jawaab: Waa ka xaaraan inay haweenku xidhaan dhar ku dheggan ee muujinaya bilicda jirkooda oo fitno keeni kara, Rasuulku wuxuu yiri:
“Waxaa jira laba nooc oo ahlu naarka ka mid ah oo wali aanan arkin, niman wata jeedallo aad mooddid sida saynta oo kale oo dadka ku garaacaya gardarro iyo dulmi, iyo naago dhar qaba oo qaawan, oo ka weecday diintii dadkana ka weecinaya.”
Waxaa lagu fasiray hablaha dharka qaba ee qaawan inay yihiin kuwa xiran dhar gaagaaban oo aan asturayn cawrada ay waajibka tahay in la asturo, waxaa kaloo lagu fasiray inay yihiin hablo xiran dhar khafiif ah oo aan qarinayn waxa ka shisheeya marada ee jirka haweenka ah, waxaa kaloo lagu fasiray inay yihiin hablo xiran dhar ku dheggan oo isagoo jirkii qarinaya haddana cawradii oo dhan bannaanka soo dhigaya, sidaas darteed ma bannaana inay haweentu xirato dharka aad ugu dheggan ee jirku sida uu yahay u sawiraya (iyadoo haween kale la joogta ama rag maxram u ah), ninkeeda dharkaas way isugu qurxin kartaa sababtoo ah ninka iyo xaaskiisu cawro ay tahay inay kala qarsadaan ma jirto, Caa’isha Alle ha ka raalli noqdee waxaa laga wariyey inay tiri, “Aniga iyo Rasuulku waxaan qasli kaga wada mayran jirney hal weel oo gacmahayagu ay isu weydaaran jireen annagoo ku wada mayranayna.”  

Marada oo la dheereeyo ilaa ay dhulka xaabto
Su’aasha 222aad: Ma bannaan tahay in habluhu cambuurka ama jalbaabka dheereeyaan oo ay cirbaha ka hoosmariyaan ilaa shan santimitir (5 sm) oo uu dhulka xaabo?

Jawaab: Way bannaan tahay inay habluhu maradooda hoos u dhigaan ilaa ay dhulka gaarto balse waaba sida sharciga ah ee haweenka la faray si ay u asturaan cagahooda hoose culimada badankoodna waxay qabaan inay arintaasi waajib tahay, sidaas darteed waxaa haweenka waajib ku ah inay asturaan lugahooda oo maryaha dheeraystaan ama ay sharabaado iyo kabo daboolan iyo wixi la mid ah ku asturaan.

Cutubka Shan iyo Tobnaad – Kafaare Gudka Dhaarta

KAFAARE GUDKA DHAARTA
Qaddarka cuntada la bixinayo kafaare gudka
Qof dhaartiisa raaciyey Inshaa Allaah kafaare gud maleh

KAFAARE GUDKA DHAARTA
Qaddarka cuntada la bixinayo kafaare gudka
Su’aasha 198aad: Waxaan ognahay kafaare gudka dhaartu inay tahay quudin toban miskiin, haddaba cuntada halkii miskiin la siinayo waa intee? Cuntada la bixinayo waa noocee?

Jawaab: Kafaare gudka dhaartu waa in la quudiyo toban miskiin ama loo arratiro ama la xoreeyo addoon, qofkii aan intaas midna heli karin wuxuu soomayaa saddex maalmood oo isku xigta.
Cuntada la bixinayo waa cuntada qofka dhaartay isaga ehelkiisu cunaan tan ugu dhex dhexaadsan, masaakiinta uu cuntada siinayo wuxuu uga dhigi karaa qado ama quraac ama casho ilaa ay ka dhargaan ama wuxuu siinayaa cunto ku filan hal habayn waxaana lagu qaddaray saac barkiis (oo u dhiganta kiilo iyo bar) cuntadaas oo ah bariis iyo wixi la mid ah.
Haddii ay noqoto inuu dhar bixiyo waa inuu dharkaasi noqodo mid cawrada asturi kara oo lagu tukan karo.

Qof dhaartiisa raaciyey Inshaa Allaah kafaare gud maleh
Su’aasha 199aad: Muxuu yahay macnaha xadiiska Ibnu Cumar uu Rasuulka ka wariyey inuu yiri:
“Qofkii dhaarta oo raaciya dhaarta Inshaa Allaah, kuma dambaabayo (haddii aanu samayn wixii uu ku dhaartay).”

Jawaab: Xadiiskan macnihiisu waa: Insaanku haddii uu wax ku dhaarto oo uu yiraahdo inshaa Allaah kaddibna wuxuu ku dhaartay khilaafo kafaaro gud ku waajibi mayo, matalan haddii uu yiraahdo: Wallaahi inshaa Allaah waxaas ayaan samaynayaa kaddibna aanu samayn ama uu yiraahdo; Wallaahi inshaa Allaah waxaas ma samayn doono kaddibna uu wixii sameeyo, xaaladaha caynkaas oo kale kafaaro gud kuma waajibayo waayo wuxuu raaciyey dhaartiisa Inshaa Allaah.
Haddaba waxaa habboon qofkii dhaaranaya in uu dhaartiisa raaciyo Inshaa Allaah si haddii aanu samayn wixii uu ku dhaartay aan kafaare gud ugu waajibin, waxaa kaloo jirta faa’iido kale oo ku jirta dhaarta la raacinayo Inshaa Allaah, faa’iidadaas oo ah in qofka loo sahlo wixii uu ku dhaartay sababtoo ah wuxuu talo saaraty Allaah.
Allaah wuxuu yiri:
“Ruuxii Allaah talo saarta waa ku filan yahay, Allaahna amarkiisu waa fulayaa (waxna kama fakadaan) wax walbana Allaah wuxuu u yeelay waqti sugan.”