Tag Archives: Xasan Aw-Daahir Qaalib

Qeybta 20aad

Maalintii danbe ayuu Jebron iska soo dhigay habar gabowday oo soo xidhay dhar habareed; waxanu soo qaatay danbiil ubax ah oo la hor fadhiistay irriddii guriga reer Bataylus. Siduu filayey ayey Blekso iyo aabbihii ka soo laabteen kaniisaddii, saacad ka dibna Blekso ayaa intuu fuulay gaadhifaras yar oo laba faras jiidayso, ayuu ka baxay gurigii. Jebron halka uu fadhiyey waxa uga muuqday meesha uu jidku ku kala weecdo waddo woqooyi toos ugu baxda iyo laba bidix iyo midig u kala baydha — mid xagga webiga u baxda iyo mid buuraha u leexata. Blekso markaa wuxuu qaaday waddadii xagga buuraha u baxaysay. Waxaaba suurta gal ahayd inuu muraad kaleba u socday hase yeeshee Jebron waxay la noqotay in uu kollay ku socdo halka ay Maysa ku qarsoon tahay.
Fiidkii markay labadii kale isu yimaadeen ayuu Jebron ku yidhi, “Casar dheer ayuu baxay; waxanu u toosay xagga buuraha.” “Waa in aynnu halkaa isku sii taagnaa,” ayuu yidhi Jetro, “Waxa laga yaabaa in uu hadda soo dhaw yahay. Jebron, adigu aayar soo soco ilaa halka uu jidku ka weecdo. Amubana laba mayl ayuu ka sii shishayn doonaa. Aniguna meel laba mayl Amuba ka sii durugsan ayaan isa sii taagi. Haddii uu, sida aynnu filayno, halkaa maanta marayna, berri ayeynu kobtaa ka sii wadi.”

Mar allaale markii uu Jetro gaadhay halkii uu joogsan lahaa ayaa wuxuu maqlay gariir meel ka baxaya; wax yar kadibna waxaba soo galay gaadhifaraskii oo kaga duulinaya. Jetro deeto wuxuu u noqday xaggii magaalada waxayna dhexda ku kulmeen Jebron iyo Amuba, oo iyana xaggiisa u soo socda.

Habeennimadii dambe ayey Amuba iyo Jetro midha meeshii uu habeennimadii hore joogsaday meel hal mayl ka durugsan joogsaday; Jebronse halkii hore ayaa loo daayey. Nasiib darrose habeenkaa gaadhifaraskii meeshiiba ma soo marin.

Afar habeen markay sidaa habeen walba ilaaladii u ahaayeen ayaa habeen shanaadkii Blekso jidkii soo maray. Waxase dhacday in aanu halkii u Jetro joogay aanu soo marin. Markaa waxa saaxibadeen u caddaatay in uu meel halkaa ay Amuba iyo Jetro kala joogaan u dhaxaysa ka leexday. Waxay mugdigii raad gaadhifaras meel uu ka leexday raadiyaanba ugu danbaystii ayey heleen. Hase yeeshee waxay la noqotay in habeenkaa ayna ku noqon godkii buurka ee ay geedo meesha ka dhawaa ku dhex dhuuntaan, si marka cadceeddu soo baxdo ay si fiican raadka uraacaan. Kama ay filayn in ay halkaa gaadhifarasyo kale maraan; waxayna la noqotay in arroornimada si fiican ay u arki doonaan raadka.

Subaxdii ayey arkeen halkii uu gaadhifarasku ka leexday; hasa yeeshee waddada uu maray oo dhagax ahayd awgeed raadkii ayaa markiiba ka lumay. Halkii bay dabadeed maalinba maalinta ka danbaysa ka wadeen ilaalladii oo ay gaadhifaraskii ku sugayeen. Toddoba cisho markii laga soo wareegay, ayaa Jebron, isaga oo halkii fadhiya, sheed ka arkay gaadhifaras soo socda; gaadhifarasyada halkaa mara oo badnaa awgeed shaki baa kaga jiray in uu kii Blekso yahay iyo in kale. Markuu soo dhawaaday ayuuse gartay in uu kii uu sugayey yahay. Farduhu waa kuwii Blekso. Dharkiisii wadaadnimaduna aad bay bayaan u ahaayeen.

Markan imika ah addoon ma soo raacin ee waxa la socday nin uu u maleeyey inuu Bataylus nafahaantiisa yahay. Gaadhifaraskii baa xuf ku dhaafay oo ku libdhay waddo wax yar u jirta buuraha sintooda. Mar alla markii uu ka qarsoomay ayuu tow yidhi oo isku sii daayey halkii uu Amuba ku sugayey. Halkii bay ka wada yaaceen oo tageen meeshii uu labadooda Jetro u sii taagaan.

“Ma aragtey?” ayuu deg deg u waydiiyey. “Waan arkay geestay u tooseenna waa amaaradsaday,” ayuu ugu jawaabay Jetro. “Ma u jeeddaan geedaha dhexdooda, meesha guriga la moodo? Halkaasay u leexdeen oo ku libdheen. Waxayna ila tahay waa innoo halkaa iyo sidaynu muraadkeennii u dhamayn lahayn.”

“Sidee ugu habboon ee aynnu yeellaa? Ma waxaynnu sugnaa ilaa inta ay soo baxayaan, oo markaas baynnu u dhaafnaa?” ayuu yidhi Jebron. “Maya,” ayuu ugu jawaabay Jetro, “laba xaalo ayaa imika inna hor yaalla. Waa mide waa in aynu Maysa badbaadinaa. Ta labaad waa sidii aynnu Bataylus iyo wiilkiisa wax uga qaban lahayn. Kollay Bataylus meesha wax kale uma imaan ee wuxuu isku dayayaa in uu u hanjabo gabadha, si uu ugu qasbo in ay ogolaato guurka Blekso. Miyey gabadh yar oo da’deeda ihi iska dhicin kartaa ninkaas oo kale? Waxa laga yaabaa bahalkan Blekso in uu dhawr jeer isku dayey in uu is jeclaysiiyo, ayse diidday; sidaas awgeedna Bataylus u yimid in uu u kaalmeeyo.”

“Amuba iyo aniga waxaanu qaadan doonaa laba budh oo waaweyn; adna ablayda ku qarso maryahan habarteed sidato abadeed gebegoodba kedis baynu ku qaban. Waxaa laga yaabaa in qarinta uu sirtiisa qarinayo awgeed aanu ciidan badan soo kaxaysan, ee laba ilaa seddex nin, iyo ama naag addoon ah, wallow ay suuro gal tahay in afartii nin ee soo qafaashtay ay ayana la joogaan. Xataa haddii ay laabaatan yihiin, waxba ha ka baqanina waynu u bir dhigi doonaaye.”

Halkii bay deeto ku dhaqaaqeen xaggii guriga meesha geedaha leh ee buuraha sintooda ah ku yaallay ilaa ay soo gaadheen guriga dabadiis. cabbaar ayey la rafteen hasa yeeshee way iska shubeen dayrkii. Deeto qunyar ayey gaadgaatyeen ilaa darbigii guriga. Jetro baa markaa intuu gacanta u taagay labadii kale, dhegta u dhaweeyo dariishadii oo dhawaaq dhegeystay; waxanu maqlay cod uu gartay in kii Bataylus yahay oo leh: “Anigu ma doonayo niicniicdan, Maysa. Hubaal guurka Blekson waad ku badhaadhi doonta. Markaa jawaab dhakhso ah ayaa kaa sugayaa. waxaan kaa rabaa in aad ku ballan qaado in aad ilaahyada hortooda sidaa ka qirran doonto. waxaa kale oo aan kaa doonayaa in dadka aad ka hor qirato in aan sidaa cidina kuugu khasbin joogiddaada halkan ee aad adigu iska timid adiga oo ka xun kana cadhaysan dhiilada uu walaalkaa gaystay. Haddii aad sidaa yeeli waydo waxa kugu dhaca anigu kuma jiro.”

Dabadeed cod ay qoladeenii dhawaaq dhegaysanaysay ay maleeyeen in uu kii Ruut yahay ayaa hadlay, oo yidhi, “Ha maqlin, Maysa. Waa beentii, dheg ha u dhigin.” Haddana waxay ku jeedsatay Bataylus, “Ma sidaasaad ku tahay Wadaadka Sare. Ilaahayada aad leedahay waan caabudaa hadday waxaad inantan yar ku samaynayso kula oggol yihiin ilaahyo ma aha. Hadday ilaahyo yihiin oo aanay dhagaxaan aad meesha qotomiseen uun ahayn, kobtaa aad imika joogto ayey kuugu dili lahaayeen oo kuumay oggolaadeen in aad waxaas oo kale ku kacdo.” Intaa hadday cod dhiirran ku tidhi ayuu Bataylus cadho la oogsaday oo intuu garabka soo gundhigay, gabigeediiba gilgilay. Iyana lamaba ay sugine, dharbaaxo ayey la tiigsatay oo labada indhood hadhsatay. Dib intuu u booday isaga oo cadho wajigii ximirkaa cas noqday, kuye, “Blekso! Iisoo qabo! Wasakhadda.” Halkaa markay arrin marayso ayey qoladeenii dhawaaq dhagaysanaysay intaa ka badan sugi kari waayeen, oo irriddii ayey xoog ku daafa deeyeen.

Qeybta 19aad

Habeennimadii danbe goor cawaysin ah ayuu Jetro isaga oo kaga duulinaya soo dhacay. Hadduu daf soo yidhi godkii dhagaxa ahaa ee ay ku jireen labada wiil ayuu warkii uu siday dhiibay, kuuye, “Qas kale ayaa dhacay, Maysa ayaa la qafaashay.”

Jebron iyo Amuba ayaa mar kali ah istaagay, “Maysa ayaa la qafaashay!” ayey kol kali ah ku wada dhawaaqeen, “Yaa sidaa yeelay? Goormaa la qafaashay? Sideed ku ogaatay?”

“Markaan idinka tagay, waxan toos dhuumasho ugu galay magaaladii waxana halkaa ka ogaaday wixii dhacay oo dhan. Hawlihii oo dhami way istaageen; dadkuna waxaan dhimashadii aabbahaa iyo bisadda ahayn kama ay sheekaysanayn. Boqorkiina wuxuu amar ku bixiyey in labadiinan iyo kuwii aabbahaa dilayba la soo qabto. Baadhis baa tuulooyinkii iyo magaalooyinkiiba lagu hayaa wixii la garan waayena inta la xidho, ayaa la itixaamayaa oo la maraanmayaa.”

“Dabadeed waxan tagay gurigeennii. Kolkaan beertii yarayd ee guriga hortiisa ku taalay sidaa ugu baxay ayaa waxan arkay habar addoomihii guriga ka mid ah oo ooyeysa. Markaan u dhawaaday waxan gartay in ay addoontii Maysa tahay deeto dhegta aan ugu qabtay ciddaan ahay, markiibana way i garatay. Si aynu u hadlin baan dabadeed farta u taagay, waxanan u kaxeeyey meel yar oo doc ah oo aan cidi na arkayn.

“Alla! Jetro,” ayey tidhi, “sayidaddii yarayd ee Maysa waa la waayey!” “La waayey!’ ayaan idhi, “Maxaad u jeeddaa?” “Markii dadkii badnaa ee bisadda raadinayey u jabeen xagga beerta guriga ka dambaysa ayaa afar nin galeen guriga. Waxan deeto maqlay qaylo, wax yar ka dibna waxa soo baxay afartii nin oo sidda wax aad qof mooddo oo maro weyn ku duuban.” Cabbaar baan hadli kari waayey, dabadeedna waxan xusuustay Ruut.

Markaasaan habartii waydiiyey, oo Ruutna aaway? ‘Garan maayo,’ ayey iigu jawaabtay, Kollayba lama raacin Maysa. Haddaan qolalkii oo dhan ka raadinayna, il iyo baar maanaan saarin.” Halkaa markuu Jetro hadalkii marinayo ayuu Jebron yidhi, “Laakiinse maxay Ruut u baxsatay? Sidaad sheegtay, kolkay askartu guriga yimaaddeen ka dib wax halis ah oo ku soo foolahaa ma jirine.” “Taa waxba kama odhan karo,” ayuu ku jawaabay Jetro, “Habartu wax arrintaa ku saabsan iguma kordhin. Meel kaloo aan war ka heli karayeyna ma jirin; waxanay ila noqotay in aan dhakhso u soo noqdo.”

“Ilaa intii aan socday oo dhan waxan yar goobayey sidii aan wuxuun uga ogaan lahaa ciddii Maysa qafaashtay.” “Waxan u malaynayaa in aynnu socdaalkii aynu ku baxsan lahayn maanta bilaabi karayn,” ayuu yidhi Jebron, “sina uma tegi karno ilaa aynnu ogaanno waxay Maysa ku eeddan tahay.” “Waa runtaa,” ayuu raaciyey Jetro, “waa waajib i saaran in aanan meella u bixin ilaa la helo gabadha, Aabbahaa aad buu iigala ballamay nabadgelyadeeda in kasta oo aanay markaa isaga u muuqan sidii aynnu wax ugu tari lahayn waayo wuxuu filayey in mar haddii ay iyadu hooyadeed ka ag dhawdahay aan wax dhib ihi gaadhayn. Imikase waxaa cad in ay aad innoogu baahan tahay.”

“Sida ii muuqata arrintaa Bataylus uun baan eedeed saari kamaa,” ayuu yidhi Amuba, ujeeddadiisa oo dhami waxa weeyaan in ay Maysa u xidhnaato ilaa darajada Wadaadka Sare la siinayo. Dabadeed markaa haddii boqorku guurkaa ogaado, Maysa sinaba kuma diidi karto.” “Waxay ila tahay waa runtaa Amuba. Su’aasha inna hortaallaase waxa weeyaan: Maxaan yeellaa? Illayn iyada oo gacanta Bataylus ku jirta kama tegi karnee,” ayuu yidhi Jebron. Jetro baa dabadeed dhaar xaf ku siiyey oo yidhi, “Ballan waxaan kuugu qaadayaa Jebron, in wax kasta hadday dhacayaan, aanay reer Bataylus gabadhaa guursan. Haddaynu Maysa wayno, kollay ma Blekso iyo aabbihii ayeynu waayi. Intaynaan Masar ka teginna waa inaan labadaba gacantayda ku dilaa; waayo iyaga ayaa u sabab ahaa dilkii aabbahaa.”

Iyaga oo hadalkii halkaa marinaya ayaa Jigron u soo galay, “Waxan doonayey in aan ogaado in Jetro soo noqday iyo in kale,” ayuu yidhi, “Waxanan u malaynayaa in aydaan dhuumashadii halkan ku sii raagi karayn. Askarti baa meel kasta baadhaysa; mar aan dheeraynna halkan bay imaan doonan. Waxay markaa ila tahay meelo kale oo godad xabaalo loogu talagalay oo buurta dhankeeda shishe ku yaalla in aad gashaan. Intaan cadceeddu soo bixin baanaynnu tegi halkaa oo aan idin tusi doonaa.”

Markuu waagii dillaacay ayuu haddana u soo galay. Buurtii ayey koreen. Cabbaar markay socdeen ka dib ayaa waxa ka soo hor baxay dhagax weyn. Dhagixii ayey dhanka kale ka mareen; waxayna arkeen god afkiisu dhagax ku yaallo oo gudihiisa marka hore loo sii eego qol weyn oo kale la moodo. Meeshu waxay ahayd xabaal nin sare samaystay.

“Waa halkan meesha aan is idhi way ugu habboon tahay in ay ku dhuuntaan. Xabaalaha kale way ka yar durugsan tahay, oo cidina in ay u soo dhowaato lagama yaabo. Dhagaxan ag yaallana waxa loo dhigay in afafka lagu awdo. Markaa marka aad gashaan ayeydin god afkiisa ku awdi, si aan waxa ku jiraba loo tuhmin. Meesha ninkii samaystay beri dhaweyd ayuu dhintay oo maydkiisii la dhigay. Wiilkiisa ayaa ii sheegay in aanu dhababayn waayo hooyadii oo iyana aad u bukta ayuu filayaa in aanay sii noolaan doonin oo u markaa maydkeeda halkan dhigi doonaa. Maalintu waa in aanaydin ka soo bixin habeenkiisa meesha aad doontaan ayaad mari kartaan. Waxan idiin keeni wixii aad cunto iyo dhar u baahan tihiin. Waxa kale oo aan idiin hayaa lacagtii uu Ameres iigu kiin dhiibay.”

Markii uu Jigron ka baxay ayey seddexdii saaxiib xabaasha ibrinkeedii soo fadhiisteen oo kor ka daawadeen magaaladii oo bannaanka weyn ee ka hooseeya ku taallay. Cabbaar ayey deeto halkii falanqeeyeen tabaha ay wax ku qabsan lahaayeen.

“Waxaan rumaysanahay,” ayuu yidhi Jebron, “in muhimaddeennu horaysaa tahay in aynnu daba galno Blekso. Bataylus waxa laga yaabaa in uu ku mashquulsan yahay sidii looga dhigi lahaan Wadaadka Sare. Waxana markaa suuragal ah in uu Blekso kol kol tago halka ay ku qariyeen Maysa. Sidaynu ognahay haddaanay ku qarsoonayn gurigiisa isaga uun baa inoo hor kici doona meesha ay ku eeddan tahay.”

“Waa flkrad wanaagsan,” ayuu yidhi Jetro. Jebron baa hadalkii sii watay oo yidhi, “Si aynaan ugu baahan in aynnu goor walba gurigiisa ka ag warwareegno, waxay ila tahay in aynnu dhakhso u ogaano meelaha uu maro oo dhan. Waxaan soo iibsan doona danbiil ubax ah oo aan la hor fadhiisan doonaa irridda weyn ee gurigiisa; idinna iridda danbe iyo dhinac ayeydin iska taagi doontaan. Waxaan filayaa in uu casarka ka soo laaban doono kaniisadda: saacad ka dibna laga yaabo in uu u baxo meesha qarsoodiga ah. Waxan anigu markaa ogaan doonaa jidka uu raaco. Marka habeennimada aynnu isku nimaadno ayeynu seddexdeenuba jidkaa uu maray, seddexmeelood oo labo labo mayl isku jirta kala joogsan doonaa. Waxaynu markaa ogaan doonaa ilaa inta, uu jidkaa u raacay hore u sii socday. Maalintaa ayeynu ka qiyaas qaadan doonaa.”

Qeybta 18aad

Haatan cadceeddii baa dhacday oo dhulkli baa soo madoobaaday. Jetro iyo labadii inan baa u kacay xaggii ninkii iyaga basaasayey fadhiyey. Ninkii baa xaggoodii isna u soo dhaqaaqay si uu u hubsado dadka ku soo socdaa waxay yihiin. Hadduu u soo dhawaaday ayuu Jetro hadal la’aan kula booday oo qaarihii madaxa ku qaaday, kiina afkuu dhulka daray, isaga oo aan juuq yarina ka yeedhin.

“Haddaanu cidna inoogu soo qaylinayn,” buu yidhi Jetro intuu yara qoslay. Deeto intuu qaarihii degta u ritay ayuu orod kadla ah xaggii magaaladu ka xigtay u hor qaaday wiilashii. Waddadii weynayd ee magaalada tagaysay ma uu marine wuxuu qarda jeex jaantawadhay beeraha dhexdoodii waxanu afka u saaray buuro yar yar oo magaalada gees kaga soo jeeday. “Xaggeed innagu waddaa, Jetro?” ayuu Amuba waydiiyey ugu dhanbayntii. “Waxan innagu wadaa ninka la yidhaa Jigron halkuu deggan yahay. Ameres bay ka wada hadleen siduu meel aynnu ku dhuummano inoo siin lahaa hadda.”

Waxay gucleeyaanba waxay gaadheen gurigii Jigron oo ku yaallay buuraha hoostooda. Jetro ayaa dabadeed kalidii ku dhaqaaqay irriddii oo garaacay. Irriddii waxa ka furay addoon.

Addoonkii baanu ku yidhi, “Kaatunkan u gee sayidkaaga, una sheeg in aan doonayo in aan la hadlo.” Dhowr daqiiqo ka dib ayaa Jigron nafahaantiisii isa soo taagay irriddii isaga oo kaatunkiina gacanta ku sida. “Soo gala,” ayuu yidhi, markii uu ogaaday wuxuu u socday Jetro, “Wax walba waan idiin sii diyaariyey waayo Ameres baannu ka wada hadallay in aan aamini karo ninka kaatunka amaarada ahaan u sita.” Dabadeed wuu horkacay oo gurigii buu dhex mariyey, waxanu ka saaray irrid kale oo xagga danbe ku taallay. Waxay u soo baxeen meel dibad ah, hortoodana ku beegan yahay dhagax weyn oo buurta salkeeda ahaa. Jegron baa haddana cabbaar sii horsocday, waxanu hor joogsaday god afkiisu dhagaxa ku dhexyaallo «Meeshatan waxa samaystay nin maalqabeen ah oo reer Tebis ah beri hore. Wuxuu ugu talo galay, baa la yidhi, in lagu xabaalo isaga iyo qoyskiisa markay dhintaan. Isagii wax ku dhacay garan maayo; meeshase waligeed waxba laguma qabsan. Idinkaanan, markaa, hadda idiin diyaariyey, wixii aad u baahan lahaydeenna idiin dhigay. Waxaanay ila tahay in ay idin anficayso, halkaa gala oo ku dhuunta.”

Halkii bay dabadeed galeen oo uu tusay meesha gudaheedii; faynuusna meel rako ah u saaray; waxanu ku yidhi, “Maan moodayn in aad dhakhsahaa u imanaysaan; sidaas awgeedna casho idiinma sii diyaarin. Imikaanse idiin keeni doonaa.”

Jebron baa dhowr eray oo mahadnaq ah yidhi; hasa yeeshee wuu sii wadi kari waayey waayo hadalkii murugo darteed, waana sii wadi kari waayey. Mar alla markii Jigron baxay baa Jebron ku soo jeestay Jetro oo ku yidhi, “Jetro hadda ii warran sidee wax u dheceen. Aabbahay ma nool yahay? Mise waa la dllay?”

“Jebron,” ayuu ku jawaabay Jetro, “aabbahaagii wanaagsanaa waa la dilay; waxana dilay dadweynihii waallaa ee soo xoomay ee ay hor socdeen wadaaddadii khaa’iniinta ahaa. Anigu markaa waxaan joogay beerta guriga ka dambaysa. waxan maqlay qaylo iyo sawaxan guriga xaggiisa hore ka baxaysa. Haddaan soo wareegayna waxaan arkay dad aan xaddigooda la qiyaasi karayn oo irriddii weynayd ee dibadda isku soo maqiiqay. Markay irridii soo jabiyeen ee ay guriga hortiisa isa soo tubeen ayuu aabahaa soo baxay oo ku yidhi dadkii, “Dadyahow soo ururay, maxaad doonaysaan?”

Kuwii hortiisa taagnaa ayaa yar aamusay; hase yeeshee kuwo xagga danbe ka soo cidhiidhiyay ayaa qayliyey oo yidhi, “Aaway bisaddii muqaddaska ahayd illaa waa illaa waa in aannu helnaa!” Ameres baa ugu jawaabay, “Haddaad doontaan meesha oo dhan baadha. Waxanse idinka rajaynayaa in aydaan aqalka galin. Waxa ku jira dumarkii qoyskayga oo aan ka baqayo in ay idinka cabsoodaan. Waxan ballan idiinku qaadayaa in aanay bisaddii ku jirin aqalka; lyadda oo nool iyo iyada oo dhimatay midna.” Dabadeed waxay ku dhawaaqeen, “Beerta ka raadiya.” Waxan arkayey in qaarkood ay wateen eey, waxana markaa i gashay baqdin ah in ay kollay soo heli doonaan. Deeto mid shaqaalaheenii ka mid ah ayaan u diray in uu askar u yeedho; anna waxaan dhexqaaday buugii. Dhaqaaqii aan dhaqaaqay ayaa waxan dareemay gacan garabka i taabatay. Haddaan soo jeestayna waxan arkay Ameres, waxanu cod deggan igu yidhi, “Xusuusnow, Jetro, wixii aan kufaray.”

Intaanu hadalkiiba ii dhamayn ayaa waxanu maqallay qaylo cadho iyo dagaal ah oo ka yeedhaysa xaggii dadku u jabay. Markiiba waxa ii caddaatay in eeydii ay wateen mid ka mid ihi helay maydkii bisadda, waayo sawaxankii waxa laga dhex maqlayey dhawaaq ah, “Bisaddii muqadaska ahayd waa la dilay.” Waxana ku xigtay in dadkii haddana xaggayagii u soo jabeen, “Baxso Jetro, baxso. Waa amarkiisii u danbeeyey,” ayuu yidhi Ameres. Wayse ila noqon wayday in aan amarkiisii addeeco. Waxan arkayey dadkii oo cadho iyo dhagari indhahooda ka muuqato, waana la isla kaaya soo jiidhay oo dhowr jeer baa dhulka la i dhigay oon kolba kacay. Dabadeed sidii waxan riyo ku jiro ayaa waxan ahaa sidii oo aan maqlayo amarkii aabbahaa ee u danbeeyey. Dadkii baan isku qaaday oo aan damcay in aan ka dhiciyo Ameres, waase la iga xoog roonaaday. Kol kali ah ayuun baa gabigiisiiba la jiidhay oo la dul maray; waxana iigu arag danbaysay isaga oo dhulka yaalla, oo mayd ah. Askartii aan u cid diray baa iyana timid— maxayse ka tari, waa goor lagu kala tegay. Sidaa markii xaal u dhacay ayey aniga ila noqotay in aan xaggiina u soo cararo oon warka idiin soo gaadhsiiyo, si aynnu markaa lafaheena ula baxsanno.”

Intii Jetro sidaa u warramayey, Jebron si murugo leh ayuu u ooyayey, Amubana isaga oo nafahaantiisa ilmo ka da’aya ayuu ag taagnaa oo u ka baabi’inayey uurkutaallada. Dhowr daqiiqo kadib ayaa waxa soo galay Jigron oo sida cunto. Markuu Jigron dhigay cuntadii, ayuu Jetro yidhi, “Bal waan baxayaa oo waxan soo fiirinayaa sida waxa u dhacayaan. Waxay ila tahay in ay habboon tahay in aynu si dhakhso ah u bilowno socdaalkaynu ku baxsan lahayn.” “Laakiinse sidaa aad tahay kuma bixi kartid hadda; waayo waxa lagugu garan timahaaga casuusta ah iyo dubkaaga cad. Waxa loo baahan yahay in wajiga iyo timahaba aad madoobaysato; dharkayaga oo kalena aad xidhato.”

Wax yar ka dib ayuu Jigron u ekaysiiyey Jetro nin Masri ah oo kale. Isaga oo aan cidina waxa u yahay soo saari karayn ayuu Jetro u baxay magaaladii si uu u soo ogaado waxa ka dhacaya. Wuxuu islahaa waqti yar ayaad ku noqon doontaa. Hase ahaatee maalintii iyo habeenkiiba way tageen isaga oon soo noqon. Labadii wiilna waxay la noqotay in malaha wax ku dhaceen.

Qeybta 17aad

Maalmo badan ayaa sidii ku tegay ilaa la wada rumaystay in bisaddii, si ay noqotaba, si uun ku dhimatay. Ameres iyo qoyskiisii iyo intii kale guriga la joogtayba, siday caadadu ahayd, ayay u baroorteen. Gurigii iyo intii ku noolaydbana waa la nacladay oo sharafdhac weyn bay muteen. Maalinba maalinta ka danbaysa ayaa cadaawadda iyo nacaybka dadweynuhu u hayeen reer Ameres ay sii weynaanaysay. Kooxo dad ah ayaa ku soo xoomi jiray guriga. Dadkaasoo erayo habaar iyo cay ah ku qaylinayey mararka qaarkood. Xataa marka uu wadaadka weyni ku socdo kaniisadda ee uu dhexmaro dadkaa buuqsan, waa la caayi jirey oo feedha cadho ah loo luuli jiray, inkasta oo aan ruuxna ku dhicin in u far saaro. Mar iyo laba in ka badan ayaa Jebron isaga oo aad uga xun guuldarro qoyskoodii uu u soo jiiday weydiistay aabbihii in uu dadweynaha isku dhiibo oo uu runta bannaanka soo dhigo, waxanu odhan jirey, “Aabbo aniga geerida kama baqayo, ee waa in aad ka fikirtaa hooyaday iyo walaashay waxa haysta. Geerida waxaa aniga igaga daran halista iyo ceebta idin haysta.” Hasa ahaatee taa Ameres dheg uma dhigin.

“Ha moodin in aanan halista aynnu ku jirno arkayn,” ayuu Ameres ku yidhi wiilkiisii Jebron, “markii hore waxan u haystay in arrinta si dhakhso ah loo ilaawi doono; wayna jirtaa in aan taa ku gafay. Bawkis waxay ahayd bisaddii amranayd ee loo xushay in la geeyo kaniisadda Bubaysta; taasaana mushkilladda oo dhan innagu kicisay. Laakiin haddana, anigu sidaan filayo, taasuun maaha waxa dadkii oo dhan sidan innoogu kicisay.

Meeshatan qof innoo cadow ah ayaa ku jira oo ulakac dadka inoogu diraya. Waa laga yaabaa in aan gafo, waxase aan uga baqo qabaa in ninka waxaas oo dhan xaggiisa ay innaga yimaaddeen yahay Bataylus. Waad og tahay oo dhawaan iyuu ku soo noqday Tebis. Intan uu soo noqdayna aad ayuu iskugu keen dhadhaweeyaa; waxayna ila tahay kalgacalo muujiskaa been beenta ah wuxuun buu ku qarinayaa. Inuu kuwii habeenkii kaniisadda shirqoolka ku dhigayey ku jiray iyo in kale garan maayo; waxasen markii horena malaynayey imikana hubaa in qofkaa ay dilkiisa damacsanaayeen aniga ahaa. Imikanna bisaddan dhimashadeeda ayuu ka faa’iidaysanayaa, oo si dhib yar ayuu dadka uga dhaadhicinayaa in aan si uun wax uga ogahay dhimashadii bisadda. Jetro wuxuu shalay iga dalbay in aan u oggolaado in uu bisadda maydkeeda halkii u Amuba ku aasay ka saaro oo meel fog ku soo qariyo. Taasise, waxay ila tahay in ay halista sii kordhin karto.”

Ameres hadalkii isaga iyo Jetro dhex maray uma wada sheegin Jebron. Waxanu ku yidhi Jetro, markaa hore ee ay wada sheekaysteen, “Jetro, anigu waxba lafahayga uma cabsi qabo, waayo waligay ruux bani’aadam ah wax xumaan ah uma gaysan. Inta madaxaygu saan lahaana waxan u hawlanaa waxtarka dadka liita; Hasa ahaatee, arrinta maanta joogta marka la eego, waxa khasab igu ah in aan ka fikiro sidaan Jebron iyo Maysa u badbaadin lahaa, shan kasta oo dadweynuhu aad u kacsan yahay haddana waxa laga yaabaa in ayna Maysa qofna ku dhicin; waxase aan ka baqayaa dad innoo dan lihi in ay dafaan. Adiga, Jetro ah waxan kaa doonayaa in aad sidii Jebron iyo Amuba aad u nabadgelin lahayd ku dadaasho. Haddii halistu intan ka sii badato waxa lagama maarmaan noqonaysa inaad sidii aad u la baxsan lahayd falowgeed qabato. Waxan yaqiinsannahay in kalgacalada boqorkiinii dhintay inankiisa aad u haysaa ay kugu kallifi karto in aad khatar kasta dartii beerka ugu dhigto. Jebronna waa in aad sidaad Amuba iskugu xilqaami lahayd iskugu xilqaantaa.”

“Ballan baan kuugu qaadayaa in aan sidaa yeello, sarreeye,” ayuu ku jawaabay Jetro, “Jebron wuxuu Amuba ula dhaqmay sidii walaalkii oo kale; ilaa maalintii aannu halkan nimid; aniguna waxan ugu abaalgudi karaa aniga oo sidii wiilkayga oo kale naftiisa intaan badbaadin karo ku dirira.”

“Waa runtaa; waana filayey in aan kugu kalsoonaan karo oo aad tahay nin aan wiilkayga ku aamini karo,” ayuu yidhi Ameres. “Waxan lacag idinku filan idiinku dhiibay nin la yidhaahdo Jigron. Jebron baa yaqaanna oo ku tusi doona; waana nin aad isku hallayn karto. Wuxuu kugu garan doonaa oo aad tusi doontaa kaatunkayga (ama faraatigayga); waxanu idin qarin doonaa dhawr maalmood ilaa inta aad ugu diyaar noqonaysaan socdaal dheer oo aad dalka kaga baxdaan. Haddii ay lagama maarmaan noqoto in aad lafihiina u baxsataan waxaad hor iyo horraan foodda u dhigaysaan koonfur si aad dadka idin raacdaynaya, haddiiba ay dhacdo, aad u jahawareerisaan. Dadku waxay moodi doonaan in aad xagga lama deggaanka bari ama badda cas u baxsateen; amba waxay is-odhan doonaan waxay aadeen galbeed si ay badda weyn ee woqooyi u gaadhaan.”

Laba maalmood ka dib ayuu Ameres Jebron iyo Amuba u diray in ay tagaan meel magaalada ka baxsan oo uu beero ku lahaa; waxanu faray in ay halkaa joogaan ila inta ay isaga war danbe ka helayaan. «Miyaanad adna na raacayn ilaa inta uu qalaanqalku xasiloonaayo?” ayuu Jebron ku yidhi aabbihii.

“Kama tegi karo gudashada waajibaadkayga diinta; haddii xataa aan tago nafahaanteeda lagama yaabo in wax rooni inoogu jiraan. Waxan hubaa dadka cadawga innoo ah ee aan iminka ku dhacayn in ay badheedh waxyaallo inoogu geeystaan, ay dadweynaha oo dhan innagu kicin doonaan. Markaa anigu idinma raaci karo ee waxaad ogaataa in aan Jetro kaaga tegay oo uu mu mas’uul kaa noqon doono; Amuba waa in aad ka dhigataa saaxiib iyo walaal labadaba. Nabadgelyo, waxan Ilaaha weyn wax walba isagu abuuray ka baryayaa in uu ku ilaaliyo.”

Habeennimadaa ayaa dabadeed Jebron iyo Amuba oo uu la socdo Jetro ay tuugo ahaan kaga gudbeen jidadkii magaalada Tebis iyaga oo ku socda halkii uu Ameres faray in ay tagaan. Waxay hadhkii gidaarrada isku beegaan oo ay fardihii yar daba socdaanba, cabbaar hadday mugdigii socdeen ayuu Amuba gadaal fiiriyey, intuu gaagabsaday ayuu yidhi, “Waar waa la inna daba socdaa, Jetrow.” “Haa, waan u jeeday goorahanba,” ayuu Jetro ugu jawaabay, “laakiinse hadda innaguma dhacaan, waayo hub innagu filan baynu haysannaa kolleyna waxaan filayaa in loo soo diray in ay inna basaasaan waxa aynnu ku talo jirro. Waxba ha u baqan haddii ay rabshad isku dayaan wax xille ayeynu tusi doonaa.”
Markii ay magaaladii ka baxeen ayey fardihii ay wateen fuuleen ilaa ay meeshii beeraha lahayd gaadheen. Halkaasay dabadeed dhawr maalmood ku dhuumanayeen; Jetrona maalin walba magaalada ayuu dhuumasho ku gali jiray si uu u soo ogaado kolba halka xaal marayo iyo waxa wararku yihiin.

Maalintii shanaad galabnimadeedii ayaa Jetro oo ordayaa cariishkii ay ku dhuumanayeen daf soo yidhi. Labadii inan baa degdeg u sara joogsaday daftii uu ku soo galay, waayo markii ay arkeen Jetro labada dhafoor dhiigu ka da’ayo, hadalkuna diriq kaga soo baxayo. Shaw lix mayl oo magaalada iyo meesha ay joogaan u dhaxaysa ayuu soo orday isaga oo aan marna istaagin. Waxaana ka soo baxday, “Dhakhsada! Daqiiqad ma lumin karno wax walba waa la ogaaday. Baadidoonkii u horreeyeyna hadday xaggeena ku soo maqan yihiin.” “Aabbahayna?” ayuu la warraaqay Jebron. “Hadhow baan kaaga warrami, Jebron. Iminka waqti aan hadal ku luminaa ma jiro. Amarkii aabbahaa waa in la fuliyaa. Waxba ma ka aragteen kuwii inna basaasey?” ayuu deg deg u yidhi Jetro.

“Mid ka mid ah ayaa meel halkaasa fadhiya. Ilaa intii aynnu nimid marna mid wax ka badan ma arag,” yuu ku jawaabay Amuba. “Soo qaataa warmihiinna oo isoo raaca,” ayuu Jetro amar ku bixiyey intuu isna qaare weyn meel halkana kala booday.

Qeybta 16aad

Jebron baa qolkii aabbihii ka soo baxay isaga oo aad mooddo in uu riyo ku jiro farxad darteed. Waxaa aad u yaab galisay oo marna madaxiisii ka bixi wayday naxariis badnaanta aabbihii. Wuxuu filayey, marka loo eego dambiga uu galay, in sidii wax wasakh ah guriga dibadda looga tuuro. Markuu qolkii soo galay wuxuu arkay Amuba iyo Jetro oo halkii ku sugaya. “Aad baan uga xumahay waxa dhacay,” ayuu yidhi Jetro, “kollayba aniga qaska ka dhaca bisad la dilay wuxuu ila yahay waalli; waanse ogsoonahay dhibaataday ku galin karto waxanan kuugu imid in aan kuu sheego inaan diyaar kuu ahay haddii aad rabto in aad baxsato.”

“Waad mahadsan tahay, Jetro,” ayuu Jebron ugu jawaabay, “hadda waqtigan aan joognana garan maayo waxaan ku dhaqaaqayo. Aabbahay waannu iska aragnay arrinta; wax walbana waan u sheegay. Isagaana, markaa, go’aan ka sugayaa.”

“Markaa taa macnaheedu waxay tahay in uu waxa kula qabanayo oo aanu ku sheegayn,” ayuu yidhi Amuba, “Waa sidaasaan filayey. Aabbahaa waa nin maskax leh oo xakiim ah, waxanu ogyahay in aan ilaahyadu kuu cadhoonayn, waayo arrintu kas umaad samayn.”
Halkaa markay sheekadii marayso ayaa waxa qolkii Jebron soo galay adeege; waxanu u sheegay in Ameres doonayo inuu Jebron iyo Amuba arko.

“Waxan labadiinaba idiinku yeedhay,” ayuu Ameres ku yidhi dhalintii markii ay hor yimaadeen, “inkasta oo aanu Amuba waxba isagu dhimin; haddana dadku waxay odhan doonaan dambiga waad u wada jirteen.” Intaa kolkuu yidhi ayuu yara hakaday sidii wuxuu iyaga jawaab ka sugayo; Amubana si deggan yidhi, “Diyaar waxan u ahay, sarreeye. in aan haddii aad damacdo in aad sharciga gacanta noo galiso iyo haddii aad ku taliso in aannu baxsanaba, in aannan sinaba uga ag tagin Jebron.” Ameres intuu madaxa u ruxay hadalkii Amuba ayuu eegay xaggii wiilkiisa.

“Aabbo,” ayuu yidhi Jebron, “inkasta oo aan arrintan iyo arrin walboo kale aan diyaar u ahay in aanan amarkaaga jabin; waxan haddana ka baryayaa in aad ii ogolaato in aan sharciga isku dhiibo. Waxan ahay wadaad, waana waajib in aan sidaa yeelaa.” “Waan filayey in aad sidaa geesinnimada ah u hadasho, aad baanan ugu faraxsanahay,” ayuu yidhi Ameres. “Haddii aan sidaada aaminsanahay in dilka bisaddu danbi weyn oo ilaahyada laga galay yahay, markiiba sharciga ayaan kuu dhiibi lahaa; waxase jirta in aanan anigu sidaa qabin.”

Jebron baa indhuhu soo baxeen oo rumaysan waayey erayada aabbihii afkiisa ka soo baxay. Ameres baa hadalkii sii waday, “Way jirtay in aad su’aalo badan oo ku saabsan diinteenna iyo ilaahyada i waydiin jirtay. Wax jawaab ah kuman siin jirin ee waan kaa aamusi jiray. Iminkase waa khasab in aan fikrad kaa siiyo. Waa mide ilaahyadan aan caabudnaa waa uun dhagaxaan dadku iska samaysteen oo loogu talo galay in ay si uun ugu taagnaadaan quwadda iyo tamarta Ilaaha weyn, oo isagu mid kaliya ah. Dhagxaantan iyo asnaamtan aynnu samaysannay iyagu wax nool ma aha sida dadka badidiisu u haystaan. marka aanu wadaaddo ahaan u tukanayno ama qurbaanka u bixinayno kaniisadda, ma aha ilaahyadan dhagaxaanta ah kuwa aannu waajibaadka diiniga ah u gudanaa ee waxa weeyaan Ilaah weyn oo kale oo aan isaga la arkayn. Sidaas darteed wax xumaan ihi kuma jiraan waxa aannu ku samayno kaniisadda, inkasta oo aan ujeeddada runta ah dadka badidiisu garanayn. Macnaha meesha ku jiraa waxa weeyaan dadweynuhu dhagaxaantaa ayey caabudaan annaga wadaadda ihise waxan caduudnaa Ilaah weyn ee aan la arkayn.”

“Sidaas darteed,” ayuu Ameres hadalkii ku sii waday, “waxba ha ka baqan oo ha moodin in aad ilaahyadii kaga cadhaysiisay dilkaad bisaddii dishay. Bubaysta, ilaahadda magaalada lagu magacaabay ee kaniisaddaa bisadda la gaynayeyna lagu caabudaa naf ahaanteedu waa uun sanam dhagax ah.”

“Alla! Aabbo!” ayaa qaylo kaga soo boodday Jebron, markuu hadalkaa la yaabka leh aabbihii kaga soo baxay maqlay. Markaasuu dhulka isku tuuray oo aabbihii labada jilib ka dhunkaday, “Aabbo! Noloshii iyo kalsoonidii baad ii soo celisay. Iminkaan wax kala garanayaa. Hadday adiga kula noqoto waan baxsan; haddii kalena waan joogi oo wax kasta oo iga hor yimaada beerkaan u dhigi.”

Markay Jebron iyo Amuba ku soo noqdeen qolkoodii, bisaddii ay dileen iyo halista ku soo foolle labadaba way iska ilaaween oo waxa sheekadoodii ka bixi wayday hadalladii Ameres iyo siday uga yaabeen. “Waa cajiib,” ayuu yidhi Jebron, intuu qolkii kolba gees u tallaabsaday, “kolkaan runtii ogaaday hadda waxaabad mooddaa sidii oo aanan waligay marnaba rumaysnayn in asnaamtan dhagxaanta ihi ilaahyadeenna yihiin. Run ahaantii waligayba waan ka fikiri jiray; marnabana isma qanci kari jirin in waxani runtii ilaahyo yihiin, hase yeeshee haddana in aan shakigayga muujiyo waan ka biqi jiray oo waxan is odhan jiray kollay malaha wuxuun baa waxan dadka oo dhani rumaysan yahiin ka jira. Iminka waxay iila eg tahay sidii oo dadweynaha Masar oo dhami wax aad riyo mooddo ku nool yihiin. Maxay, talow, inta yar ee waxan sirta ka danbaysa ogi ay ula noqotay in ay aqoontooda mugdi kula jiraan.”

Islamarkaa halkaa hadalku marayey ayaa waxa si kadis ah qolkii daf u soo tidhi Ruut oo cararaysa, kuye “Bawkis luntay! Kolkaannu aniga iyo Miise ka soo noqonay tamashlihii ayaannu ku leexanay beerta xayawaanka. Waxaanu aragnay gurigii bisadda oo irriddii furan tahay, oo aan bisaddiina ku jirin. Miise waxay ii kiin soo fartay in aad deg deg u soo yaacdaan oo aad bisaddii baadigoobtaan, anna waxan u soo wada yeedhayaa wax alla waxa dumar aqalka jooga si ay raacdada innoola galaan.”

Warkii ahaa in bisaddii Bawkis luntay ayaa markiiba adeegayaashii iyo adoontii guriga wada gaadhay. Hawlihii kale oo dhan baa la wada joojiyey oo waxa uu addoon walboo guriga joogay nin, naag, wiil gabadh — ka qayb qaatay baadidoonkii.

Beertii baa sida ayaxa lagu dhagac siiyey oo geed walba iyo xashiish walba gun iyo baar la fatashay, iyaga oo intaa u baaqayey bisaddii luntay.

Ameres baa isna markiiba soo baxay oo markuu maqlay in bisaddii la la’yahay raggii oo dhan ku amray in guriga iyo inta u dhawba si fiican u baadhaan; dumarkiina wuxuu u diray xaafadihii jaarka oo uu ka codsaday beeraha guryahooda ku ceersan in ay ka raadiyaan bisadda luntay.

Habeennimadii baa baadidoonkii socday. Meel bisaddii sal iyo cidhib dhigtay baa la waayey, Shaw Amuba ayaa si baas u qariyey meydkeediiye. Subaxnimadii danbe ayaa markii bahashii la waayey dadkii baqdin iyo caloolyow galay. Waxa la islamaray in malaha bisaddii eey dilay ama yaxaas qaatay. Qofna isma odhan bahashii ruux bani’aadam ah ayay gacantiisa ku dhimatay, waayo qofna ma malaysan karo nin Masar ah baa ku dhacaya in uu danbi kaasa kale ah ku kaco.

Qeybta 15aad

Isla maalmahaas waxaasi dhacayeen ayaa waxay Jebron iyo Maysa dareemeen in shinbirahoodii carbisanaa. ay yihiin sidii waxay halis ka baqayaan; waayo waxay arkeen shinbirihii oo geedaha dhexdooda aan kaba soo baxayn. “Shaki la’ wax baa jira shinbirahaan ka bajinaya,” ayuu yidhi Jebron. “Fiiri! Dhowr baal baa meesha yaalle; oo qaarkoodna dhiig baabay leeyihiin. Bal aniga iyo Amuba ayna berri subaxda ilaalin doonno; oo intaanu fallaadho qaadanno bal eegayna waxan shinbiraha innaga laynayaa wuxuu yahay.”

Subaxnimadii danbe ayey Jebron iyo Amuba tageen beertii ay shinbiraha iyo xayawaanka kale ee carbisani ku dhaqnaayeen, waxanay ku dhex dhuunteen geedo yar yar oo gaagaaban. Cabbaar ayey halkii ku qarsoonaayeen oo aan waxba dhicin. Mar uun baa, dabadeed, qaylo iyo buuq ka dhacay shinbiraha dhexdoodii, waxaa kol kali ah cirka iska soo shubtay bahal dhufato ah (ama dafato) oo markiiba la xaf tidhi shinbir yar.

Ulamabay sugine, labadii wiil ee yar yaraana laba leeb oo daran ayey ka daba ganeen. Amuba ayaa isagu dhufatadii oo hawada ula sii kacaysaa shinbirtii bogcadka kala helay. Jebronna, inkasta oo isba si qumman u dhoogtay, waxa leebkiisii ku dhacay laan; dabadeedna gees buu u leexday. Amuba ayaa booday oo farxad la qayliyey. Markiibase wuu istaagay, waayo Jebron uun baa isagu qaylo naxdin ah la waraaqay. Markaasaa Amuba inta yaabay dib u eegay. Wuxuu arkay Jebron oo wajigiisii naxdin la madoobaaday, oo sidii qori meel ku qallalay. “War maxaa dhacay Jebron? Oo maxaa ku helay?” ayuu isaga oo fajacsan ku yidhi Jebron. “Miyaanad arkayn?” ayuu Jebron ku yidhi cod hoose oo farka naxsan. “Maxay? Waxba ma arkayo,” ayuu ku jawaabay Amuba isaga oo hareerihiisa dayaya “Leebkaygii! Miyaanad arkayn, waa kii laanta ku dhacay dabadeed u leexday xagga guriga basaaska. Waxan arkayey in mid bisaaskii ka mid ah uu ku dhacay.”

Laba sanadood ka hor bisad leeb si lama filaan ah ugu dhacay, Amuba waabu ku qosli lahaa. Haddase in kaga filan wuu ku noolaa Masar, oo uu ku garto cidhibta camalkaas oo kale ka dambaysa. Bisad uu dilaa waxay ahayd danbiga ugu weyn ee nin Masri ihi berigaa sameeyo; waxaana dhici jirtay in intaan sharcigaba la gaadhsiin qofka sidaa yeela, dadweynuhu kala boobi jireen oo qurub qurub u jarjarayeen, “Si kali ah ayuun baa hadda innala gudboon,” ayuu yidhi Amuba, markay arkeen bisaddii oo dhimatay, “taasina waxa weeyaan in aynu god dheer qodno oo aynnu bisadda maydkeeda ku aasno.” “Ma sidaas baa ugu habboon bay kula tahay?” buu ku celiyey Jebron. “Miyaanay kula ahayn in aan aabbahay u soo sheego.” “Maya, ilama aha,” ayuu ku jawaabay Amuba, “wax kale oo kasta waa daw inaad usoo sheegto. Tanse maya. Waxa ay ku noqonaysaa naxdin, innaga oo ka fikirayna darajada Wadaadka Sare ee uu hayo. Waxanay ku khasbaysaa in uu wadaaddada gacanta kuu galiyo; kuwaas oo iyana islamar ahaantaa kugu xukumi doona in lagu dilo. Sidaas awgeed arrintan waxaynu ka dhigaynaa qarsoodi.”

“Guriga bisaaskaba kuma hagaagi karayo anigu,” ayuu yidhi Jebron isaga oo cod muruga leh ku hadlaya. “Aniga igu daa,” ayuu yidhi Amuba, “ogobeey, aniga bisadi waa ii bisad.” Dabadeed intuu gurigii bisaaska galay ayuu bisaddii maydka ahayd leebkii ka gooyey. Markaasuu gabigeediiba hoosta soo gashaday oo maradiisa ku soo qariyey. Deeto intuu xamaskii iyo geedihii kala dhex baxay, oo meel aan qofna arkayn ula baxay ayuu god dheer qoday. Godkii buu maydki ku riday oo inta carradii si fiican ugu buuxiyey laamo iyo xashiish ku dul daadiyey si aan cidina u tuhmin meesha. Haddana guriga bisaaska ayuu ku noqday oo dhiiggii ayuu dhulkii ka masaxay. Leebkiina biyihii ballayga ayuu ku soo maydhay.

Intaa hadduu dhameeyey ayuu inankii Jebron oo meel halkan ah sida qoriga qotoma ku soo jeestay oo ku yidhi, “lnakeen oo calool adayg. Irridda guriga bisaaska isaga oo furan baynu ka tagaynaa. Kolkay dadku arkaan irridda oo furan oo bisadduna maqantahay; waxay u malayn doonaan in ay baxsatay. Adiguna waxaad iska dhigtaa sidii oo aanay waxba dhicin.”

“Laakinse sidee baan iskaga dhigi karaa sidii oo aanay waxba dhicin?” ayuu yidhi Jebron, “Adigu, sidaad sheegtay, bisadi waa kuu bisad. Anigase dambi ka weyn oo aan geli lahaa ma jiro. Kun jeer buu ka xun yahay ninka bisad dilaa ninka qof bani’aadam dila xaggayaga.”

“Bisadi waa bisad,” ayuu Amuba yidhi, «Waan kasayaa sidaad dareemayso, walow ay aniga bilaamicne ila tahay. Kumaankun bisadood ayaa Tebis jooga, Qushigooda, kuwaa mid ay kaniisadda geeyaan ha ka doorteen laakinse meesha halisi way ku jirtaa, haddii ay wadaaddadu ogaadaan in aynnu bisaddii dilnay kimis dambe calaalinmayno.” “Adiga waxba kaagama jiraan,” ayuu yidhi Jebron, “Looma baahna in aad danbi aanad galin dartay ugu dhimato.”

“Maya, Jebron,” ayuu ku adkaystay Amuba, “Arrintan weynnu wada galnay. Laantu siday leebkaaga u leexisay uun bay kaygaba u leexin lahayd ee maqaadiir uun baa meesha ku jirtay. Fikraddaan anigu bisadda ka haystay waxba ma kordhinayso. Waxa uun ka xaasil ah in dadka Tebis ku nool bisadda ilaah u haystaan. Haddii dhimashadeeda la ogaadana la ina laynayo. Sidaas awgeed waa in aanaynnu haba yaratee tusin dadka in aynnu arrintaa lug ku leenahay.”

“Waa in aan aabbahay u tagaa oo aan u soo sheegaa,” ayuun buu Jebron kol kali ah la oogsaday, “Ilama habboona in aan aabbahay wax ka qariyo.”

“Waa si wanaagsan,” ayuu yidhi Amuba, “oo waxba kama qabo, anna waxaan u tegi doonaa Jetro oo aan uga warrami doonaa sida wax u dhaceen. Run ahaantii isaga bisad leeb ku dhacay macne caynkaas uma samaynayso; wuuse fahmi doonaa halista meesha inoogu jirta. Haddii in aynnu baxsanno ay lagama maarmaan noqotana si weyn buu wax inoola qaban doonaa, Waxbana ha ka yaabin xaggiisa sirba daayoo, waa nin aynnu nolosheenna oo dhan ku aamini karno.” Jebron baa dabadeed xaggii guriga u dhaqaaqay.

Hadduu gurigii galay wuxuu markiiba isku sii daayey qolkii aabbihii. Deeto intuu irriddii hoosta ka soo xidhay ayuu aabbihii hortiisa labada jilib u dhacay oo sujuud wejiga dhulka saaray.

“Jebron!” ayuu yidhi Ameres intuu buuggii uu akhrisanayey dhigay oo uu sarajoogsaday, “Maxaa dhacay aabbo? Maxaa kugu kalifay in aad ii sujuuddo?” Jebron baa madaxa kor u qaaday, laakinse hadalba wuu ka soo bixi waayey.

“Waa maxay, aabbo?” ayuu Ameres hadalkii mar labaad ku celiyey isaga oo hadda dareemay in arrintu ba’an tahay.

“Saaka ayaannu, aabbo, aniga iyo Amuba anaga oo gantaalo wadana damacnay in aannu dilno dhufato baryahanba shinbiraha carbisan naga laynaysay. Markii dhufatadii na soo kor duushay ayaannu labadayadiiba kol kali ah wada toogannay, leebkii Amuba ayaa dhufatadii ku dhacay oo halkii ku dilay; kaygiise intuu geed laantii cuskaday ayuu gees u leexday. Leexashadii ayuu deeto ku dhex dhacay gurigii bisaaska. Halkaas oo uu ku dilay Bawkis, bisaddii Maysa ee laba maalmood oo kaliya ka hor loo xushay in lagu beddelo bisaddii amranayd ee dhimatay ee Kaniisadda Bubaysta,” ayuu warkii ku soo koobay Jebron. Wadaadkii Sare ayaa wajigiisii baqdin iyo anfariir dusha uga soo baxay. Markaasuu dib uga yar joogsaday wiilkiisii.

“Wiil yar oo nasiib daran dheh!” ayuu yidhi, “Boqorku awood uu cadhada dadweynaha kaga nabadgaliyo malaha, haddii inankiisu taad fashay oo kale falo.”

“Lafahayga uma baqayo aabbo,” ayuu yidhi Jebron, “Tan i gubaysaase waa danbiga weyn ee aan galay; iyo ceebta iyo sharaf dhaca aan adiga iyo hooyaday iyo walaashay u soo jiiday.”

Ameres baa isaga oo aamusan oo foorara qolkii kolba gees u tallaabsaday, “waa in aynnu sharaf dhaceenna dul u yeelannaa!” ayuu yidhi ugu danbaystii isaga oo cod deggan ku hadlaya, oo aad mooddo in hadda anfariirkii ka yar damay; “adiga weeyaan kaannu badbaadadiisa ka fikiraynaa. Runtii masiibo ba’an baad gaysatay, hasa ahaatee maqaadiir uun baa meesha ka dhacday. Inkasta oo ilaahyadu siday wax u dhaceen u qaadanayaan oo aanay wax ciqaab ah kuu gaysan doonin. Nasiib darradu waxa weeyaan; maqaadiir iyo maqaadiir la’aan dad weynaha waxba ugama jiraan. Waxay uun iyagu arkaan in aad danbiile weyn tahay. Su’aasha iminka inna hor taallaa waxay weeyaan: maxaynnu yeellaa? Iminkadaa xataa waxa laga yaabaa maydkii bisadda in durba la helay.”

“Ma dhici karto sidaasi aabbo, waayo Amuba ayaa intuu meel aan qofna arkayn god dheer ka qoday, ku aasay maydkii.”

“Si habboon buu yeelay Amuba taasina waxay inna siinaysaa waqti aynnu arrinta kaga baaxaadegno,” ayuu yidhi Ameres.

“Maxay noloshu ii tahay mar haddii…” intaannu Jebron hadalkaa calaacalka ah dhamayn ayaa aabbihii gacanta kor u taagay oo ka joojiyey, yidhina “Inaad danbi gashay ilama aha aniga; taasina ima dhibayso iminka sida dadka badidiisa anigu arrimaha uma haysto; waxana intaa igaga filan in aan kuu sheego in aanad waxba taa isku ciilkaambiyini, waa in aynnu hadda isla eegnaa sida ugu habboon ee aad u samatobixi lahayd. Haddii aad baxsan lahayd waxa suuragal ah in aad dalka ka baxdo inta aan qisada la ogaan. Sidaasise dhan baanay ka toosnayn oo waxa laga yaabaa in waayitaanka bisadda iyo baxsadkaaga wax laga garto. Haddaba waxay ila tahay in aad iska xasiloonaato oo aanad dadkana dareensiin in aad wax gaysatay. Iminkana u tag Amuba oo qolkaaga iska fadhi; anigaa kuu yeedhi doona marka aan xaalka si fiican uga bogto.”

Qeybta 14aad

Subaxdii dambe markay cadceedduuni soo boodday ayaa wadaad ka mida kuwii kanisadda u garaacay irriddii guriga Wadaadka Sare; kolkii laga furayna dalbaday in uu arko Ameres.

“Sarreeye waxan kuu sidaa war aad aad u xun,” ayuu ku yidhi wadaadkii yaraa. “Wiilkaagii Neko ayaa la dilay.” “Neko baa la dilay!” ayaa ka soo boodday afkii Ameres, “Ma dhici karto!”

“Waa run sarreeye. Siday wax u dhaceenna waxay ahayd: wuxuu isaga oo kalidii ah ka baxay gurigiisii subaxnimadii hore isaga oo damacsan in uu kaniisadda ku kallaho waayo waxay ahayd kaayihiisi inuu dabka ilaahyada kaniisadda ka shido, waxanan filayaa waqtiga uu guriga ka baxay in dhulku mugdi ahaa. Markii uu xilligii laga filayey uu kaniisaddii iman waayey ayaa waxaa loo soo diray adeege u yeedha. Waxaana halkaa uu arkay isaga oo meel wax yar u jirta gurigiisa yaalla oo midiyana laabta kaga taagan tahay.” Ameres intuu hadalba ka soo bixi waayey ayuu qol gooni ah isku xiray. Inkasta oo aan isaga iyo wiilkiisa cudrad kalgacalo badni ka dhexayn sida ay isaga iyo carruurtiisa kale Jebron iyo Maysa ugu dhaxeeso, dhimashada deg deg ah waxay Ameres ku noqotay dharbaaxo weyn. Qolkii buu deeto cabbaar fadhiyey isaga oo aan far dhaqaajin cidna la hadal, ilaa uu maqlay oohin guriga dhankiisa kale ka baxaysa; waxanu gartay in afadiisii warkii maqashay oo ay ooyeyso. Dabadeed xaggii qolkii ay ka ooyaysay ayuu ku kacay si uu uga bi’iyo tiiraanyada, hasa ahaatee kuma uu guulaysan in uu uurka u qaboojiyo.

Amenes, haweenayda Ameres, waabay maroordilaacday. Jebron iyo Maysa iyagu si xasilan ayey warkii u qaateen. muddo saddex sano ah may arag walaalkooda weyn waayo wuxuu ku maqnaan jiray kaniisadda oo waxbarashada diinta ayuu aad ugu mashquulsanaa. mar marka uu guriga yimaadana aadba uma caanayn jirin walaalihiisa yar yar. Run ahaantii yar yarku dhimashadiisa kadiska ah ayuun baa fajac ku noqotay, ee waayitaankiisa uurkoodu aad ugama murugoon.

Ameres wuxuu markiiba isku sii daayey gurigii uu Neko gali jiray; si uu bal sida wax u dhaceen aad ugu warsado. Halkaa wax intii hore ee uu ogaa ka badan kama helin; waxana warkii oo dhammi noqday in Neko habeennimadii hore ku raagay kaniisadda, gurigana ku soo noqday goor kuwii kale ee kula jiray oo dhami wada seexdeen. Aroortaa kolkuu baxayna aan qofna arag; wax qaylo ah ama dagaal ahna aan qofna maqal. Waxana male noqotay in mid u gabbanayey in uu gadaal kaga dhuftay middida.

Waxa guud ahaan la isu raacay in malaha mid adeegayaasha kaniisadda ka mid ihi uu dilay Neko; Adeegayaasha kaniisadda oo wada neceb awgeed waxa adkaatay sidii loo soo saari lahaa kii dilay. Maalinnimada markuu Jebron tagey kaniisadda wuxu maqlay warar jaad walba leh oo ku saabsan dhimashadii walaalkii iyo wixii kaniisadda ka dhacay habeenkii hore; waxa ii sheegay in cod amaran lagu maqlay Ilaahyada mid ka mid ah. Waxa la isla marayay in malaha tuugi gashay kaniisadda kuwaas oo damacsanaa in ay xadaan dahabka iyo luulka yaalla oo ay markaa isku dayeen in ay ka bajiyaan wadaaddada ilaaliya alaabta; laakiinse la ogaaday oo ay baxsadeen intii aan laqaban.

Jebron markii uu soo noqday isaga oo waxaas oo wara ah soo maqlay waxay Amuba ku heshiyeen in ay Ameres u sheegaan runta sidii ay habeennimadii wax u dhaceen. Haddii habeennimadii ay casheeyeen uun baa Ameres qolkiisii ugu yeedhay Jebron. “Waxba ma ka maqashay xagga kaniisadda, waxyaalihii la yaabka lahaa ee xalay dhacay? Waxaaba laga yaabaa in tuugtaa la sheegayaa dileen walaalkaa. Midda kale ma maqashay cidda ugu hor ogaatay in nimankaasi meesha ku jireen. Waxa la leeyahay Bataylus baa ugu hor arkay, inkasta oo ay yaab leedahay waxaa uu isba xilligaa kaniisadda ka qabanayey. Dhowr wadaad oo kale waxa la sheegay in iyana ay halkaa joogeen hase yeeshee midkoodna saaka ma iman kaniisadda. Haddaan addin, u diray guryahoodiina waxa la ii sheegay in ay giddigood ka baxeen magaalada.”

“Waxba ma maqal aabbo,” ayuu ugu jawaabay Jebron, “waxaanse ogahay waxa waxaa la isla marayo runtoodu tahay.” Halkaabuu dabadeed, Jebron aabbihii uga warramay, sidii ay wax u dhaceen oo dhan.

“Waa qiso yaable runtii,” ayuu yidhi Ameres markuu sheekadii oo dhan maqlay, “waxana laga yaabaa in qoladii shirqoolka samaynaysay ee aad kor ka maqasheen ay ahaayeen Bataylus iyo saaxiibbadii, waayo dhaqsahaa ugamay tageen kaniisadda. Runtii wax ra’yiya kama haysto qofka ay dilkiisa ka tashanayeen, inkasta oo aan u malaynayo in uu kolley yahay qof magac leh.” “Miyaanay wax suurtogasha ahayn in qofkay u tashanayeen ahaa Neko? Sidaas baannu aniga iyo Amuba isku raacnay markii aannu galabta arrintaa falanqaynay,” ayuu yidhi Jebron. “Ilama aha sidaas aniga,” ayuu ku jawaabay Ameres ka dib markuu wax yar ka fikiray arrintii. “U malayn maayo in shan nin isugu tagayaan in ay dilaan wadaad yar oo darajada wadaadnimada aad ugu hooseeya sida Neko; waxanan filayaa in shirqool loo samaynayey nin ka sarreeya isaga.”

“Waxa jirta, Aabbo,” ayuu ku celiyey Jebron, “in Bataylus aad rajo uga qabay in uu maalin maalmaha ka mid ah gaadho mansabka wadaadka sare ee kaniisadda. Nekona carqaladi buu ku noqon lahaa hadduu noolaado waayo waan ognahay iney jirto haddii Wadaadka Sare dhinto in wiilkiisa cudrad loo doorto darajada, Neko waxaa jirtay in mansabka aad isugu diyaariyay oo aad waxbarashada diinta isugu taxalujin jiray si haddaad dhimato aanay darajadu marnaba u seegin.”

“Maya sidaas maaha. Haddii ay dileen Neko, waxay u dileen waayo waxay moodayeen qofkii shirqoolkooda ogaaday. Waad arki doonta, dhawr maalmood ka dib marka ay ogaadaan in arrintii la iska ilaaway ayey soo noqon doonaan. Adiguse waa in aanad tegin kaniisadda, marka aad waajibaadkaaga soo gudanayso mooyaane.”

Maalintii Neko la aasay maalintii ka dambeysay ayay Maysa iyo hooyadeed farriin ka heleen magaalo la odhan jiray Bubeysta. Magaaladaa waxa ku taallay kaniisad weyn. kaniisadda waxa lagu hayn jiray bisad. Bisaddu waxay ahayd mid amran oo Masar oo dhan lagu maamuusi jiray. Bisaddaa ayaa markaa ayaamahaa si lama filaan ah u bukootay oo dabadeed dhimatay, Farriintuna bisadda amran dhimashadeeda ayey saabsanayd. Arrinta markaa dadkii diinta ku shuqul lahaa hor taallay waxay ahayd sidii bisad tii dhimatay lagu beddelo loo heli lahaa. Bisadda markaa la doonayaa waa in ay ahaato mid weyn oo aad u qurux badan, isla mar ahaantaana waa in ay calaamado gaar ah yeelato. Calaamadahaa bisaddii aan lahayn. lama xulan karo. Waxaana laga yaabaa in ay wadaaddada ku qaadato muddo badan ilaa mid shuruudaha la doonaya wada buuxisa la helo.

Sidaa darteed mar allaale markii ay dhimatay bisaddii, waxa lagama maarmaan noqotay in guutooyin wadaaddo ah laga diro Bubaysta si ay u soo raadiyaan bisadda iyada ah oo magaalo iyo tuulo walba u soo maraan.

Meel allaale meeshii ay kooxahaas wadaaddada ihi tagaanba waxa loo keenayey bisaska la isyidhaa jimidhkood qoobkooda, iyo midabkooda ayaa tii la rabay ku dhawaanaya. Markii koox wadaaddadaas ka mid ihi yimaadeen Tebis ayey Amenes haweenaydii Ameres warqad u dirtay ay ka warramayso bisad ay lahayd Maysa oo la odhan jiray Bawkis. Waxay kooxdaa wadaaddada ah weydiisatay in ay soo booqdaan oo ay arkaan bisadda.

Inkasta oo sharcigu ahaa in qofka bisaddiisa wadaaddada u soo bandhigayaa uu isagu keeno, haddana wadaaddadii waxay raali ka noqdeen in ay haweenayda Wadaadka Sare gurigeeda ugu tagaan.

Amense si fiican bay wadaaddadii u soo dhaweysay, iyada nafahaanteedaana kaxaysay oo gaysay guryihii looxaanta ahaa ee xayawaanka rabbaysani ku jireen. Warbixinta ay ka blxiyeenna aad bay u raalli gelisey, waayo may arag bisad la baaxad ama la qurux ah.
Inkasta oo ay calaamadaheedu wax yar ka geddisnaayeen kuwii tii dhimatay haddana bisad iyada uga dhaw may arag. Hasa yeeshee, goobtii wadaaddadii go’aan kumay gaadhin, waxayna la sugeen inta kooxaha kalena warka iskugu keenayaan Bubaysta.

Dhawr bilood ka dib ayaa waxa timid farriin odhanaysa in Wadaadka Sare ee kaniisadda Bubaysta go’aan ku gaadhay in bisaddii Maysa ee Bawkis la siiyey maamuuska ah in ay noqoto bisaddii amranayd ee kaniisadda. Farriintu waxay intaa ku daraysay in Wadaadka Sare ee kaniisadda Bubaysta oo ay la socdaan wadaaddo iyo addoomo fara badan ay ka soo kicitimi doonaan Bubaysta iyaga oo wata doonyo wabiga soo mari doona si ay u soo qaadaan bisadda.

Qeybta 13aad

Dhowr maalmood ka dib ayaa Jebron iyo Amuba, goor habeen ah oo dayuxuna aad u iftiimayo tageen kaniisaddii. Waxay galeen mid ka mid ah barxadihii waaweynaa ee gudaha. Waxay arkeen irrid meel hortooda ah ku taalla oo in yar furan. Markay irriddii aad u yar fureen ayaa waxay arkeen jaranjar yar oo dhuuban oo kor u socota. “Waxan u malaynaye in saqafka loo fuulo jaranjartan,” ayuu yidhi Jebron isaga oo yaabban. “Maan moodayn in jaranyar caynkan oo kale loo fuulo saqafka waayo marka shaqo samays ihi ka socota dadka ka shaqaynayaa waxay u fuulaan sallaanno dibadda kaniisadda ay dhigtaan!”

“Bal ma yar fuulaan,” ayuu yidhi, “aynnu kaniisadda oo dhan kor ka soo daawanee.” “Waa tahay. laakiinse waa in aan la inna arag. Hadday innagu arkaan wadaaddadu, kobtaas uun bay inagu dili, sababtuna waxay tahay in aan qofna loo ogalayn in uu kaniisadda kor uga baxo oo uu ilaahyada kor ka soo eego,” ayuu yidhi Jebron. “Wax badan ku raagi maynno. Kollay habeenkiina wadaaddo badani ma joogaan kaniisadda; markaa waxa laga yaabaa, haddaynu aayar sanqadh la’aan socono, in aan cidi inna arag,” ayuu yidhi Amuba.

Halkii bay qunyar qunyar haabhaabteen jaranjartii mugdiga ahayd. Markay cabbaar fuulayeen ayaa jaranjartii ku dhamaatay qol yar oo kooban oo qiyaastii laba qof uuni joogsan karaan. “Shaki la’ waxan aynnu dhexjoognaa waa madaxyadii asnaamta mid ka mida,” ayuu yidhi Jebron, “waa meel la yaab leh! Tolow! Maxaa sidan loogu sameeyey. Waar bal eeg! Halkanna waa meel daloosha.” Daloolkii bay ka fiirsadeen oo waxay arkeen barxadihii kaniisadda mid ka mid ah oo iftiinkii dayuxu hayo. Amuba ayaa daloolkii gacanta galiyey, “Waxaad mooddaa in uu horay u sii socdo,» ayuu yidhi, “wuuse sii dhuubanayaa.”

Gacantii buu la soo baxay waxanu yidhi, “Daloolku xagga shishe wuu u yar yahay waxanan u malaynayaa in qolkan aynu ku dhexjirnaa yahay madax sanam; daloolkanina yahay afkii. Sidaa ma kula tahay?” Jebron baa sidii ku waafaqay isna. Dabadeed Amuba ayaa yidhi, “Hadday sidaa tahay waxan odhan karaa qolkan waxa loogu talogalay in wadaaddadu soo galaan oo ay dadka kala hadlaan; daloolkanna hadalku uga baxo. Dadku markaa waxay u haystaan in ilaahay la hadlayo. Shaki la’ halkani waxa weeyaan meel wadaaddada uun qarsoodi u ah oo cid kale aan loo ogaIayn.” Jebron intaa Amuba hadlayey wuu aamusnaa isaga oo aad uga cadhaysan sida wadaaddadu dadka waxaan waxba ku jirin ugu khiyaamaynayaan. Waxanu si deg deg ah u yidhi, “inna mari meesha ka baxnee waxay ila tahay in aynnu gaf weyn samaynay.” “Bal ii kaadi aan dhankan fiiriyee; waxan u malaynayaa in aan codad maqlayee,” ayuu yidhi Amuba. Halkii bay dhawaaq dhagaysteen, oo daloolkii ka fiiriyeen barxaddii.

Sanamka weyn ee ay madaxiisa ku dhex jireen waxa hoostiisa taagnaa toddoba ilaa siddeed nin; ahaana wadaaddo waayo giddi dhar cad bay qabeen. “Waxaan idiin sheegayaa waa in aynnu dilaa!” ayuu yidhi mid colkii ka mid ihi, “anaa u diyaar ah in aan gacantayda ku dilo, haddaan sidaa yeelana waxan aaminsanahay in aan waajib weyn ka gutay ilaahyada. Waad ogtihiin in aanu si daacad ah u caabudin ilaahyada.”

Jebron baa Amuba garabka taabtay isaga oo gacantu gariirayso, “Nin bay inay dilaan ku tashanayaan ee waan ka bajinayaa si ay uga noqdaan,” ayuu yidhi Jebron.

Dabadeed intuu daloolkii afka u dhaweeyey ayuu codkii wadaadka weyn oo kale ku qayliyey, oo yidhi, “Cadhada ilaahyada halis ha u noqonina! Ninkaa aad dilkiisa ku tashanaysaan faraha ka qaada!”

Isaga oo sidii ay dadka u khiyaameynayeen doonaya in u iyaga u khiyaameeyo. “Inna keen, meeshan ka yaacnee,” ayuu yidhi Amuba, “Waxay ila tahay in qaarkood sirta waxan ka dambeeya og yihiin oo deeto hadday halkani inaga helaan qudha innaga jaraan.”

Labadii wiil halkii bay jaranjartii deg deg uga soo degeen oo ay ka soo fudh yidhaahdeen irriddii ay ka soo galeen. Deeto intay hadhkii derbiyada isku leexiyeen ayey sharqan la’aan kaniisaddii ka soo baxeen, iyada oo aan qofna ogaan iyaga.

Waxase ay ka baqdin qabeen in ciduuni arkaysay markay kaniisadda ka soo baxayeen. Si aan deeto loo soo raad raacin ayey cabbaar ka socdeen halkii gurigooda ku toosnayd. Hadday hubiyeen in aan cidina daba socon ayey xaggii guriga u soo laabteen, ka dib markii dhowr suqduud oo yaryar ay ka soo wareegeen.

Intii ay guriga u soo socdaan ayay sirtii ay soo ogaadeen iyo khiddadii ay maqleen ka sii tashadeen wixii ay ka yeeli lahaayeen, iyo bal sida xaal noqon doono hadday Ameres u sheegaan. Markayse dhan walba ka eegeen qisadii waxay la noqotay in ay iska aamusaan oo aanay cidna uga warramin.

Qeybta 12aad

Jebron, intii u socdaalkii ay Goshen ku tageen ka soo noqday isbeddel muhiim ah ayaa ku dhacay noloshiisii. Wuxuu gaadhay heerkii u wadaad ku noqon lahaa. Sidaa awgeedna waxa laga dhigay wadaad ka mid ah wadaaddada kaniisadda. Hawlaha markaa la rabay in uu fuliyo waxay ahaayeen kuwo ku cusub. Ugu horreyntiise way fududaayeen oo markaa waqti fiican ayuu u heli karayey waxbarashadiisa xagga wadaadnimada.

Ha yeeshee waxa haatan loo fasaxay in uu kaniisadda gali karo goortuu doono iyo meeshuu ka doono. Wuxuu ka gali karayey barxadaha waaweyn iyo meelaha muqadaska ah ee aan wadaaddada mooyaane cid kale loo oggolayn. Qolqolada kaniisaddu dusha ayey ka bannaanaayeen Jebronna wuxuu jeclaa in uu dhex tamashleeyo habeennada uu dayuxu jiro, khaasatan markay cidlada yihiin, ee aan dadka faraha badan ee maalintii u soo caabudid tagaa, aanay jirin.

Sanamyada dhagxaanta ah ee ilaahiyada ka dhignaa waxa qaar walba hortooda ka shidnaan jiray dab ololaya. Mar mar baa laga yaabaa in wadaad maryo cadcaddi meelahaa ka soo baxo oo dabka hadba kii baqtiya shido; inta badan Jebron kalidii ayuu iska goobyaali jiray.

Mararka qaarkood wuxuu kaxaysan jiray Amuba. Hadday wadaaddadu arkaan Amubana waxay moodi jireen kuwa ka shaqeeya kaniisadda mid ka mid ah.

Ameres waxay jaar ahaayeen wadaad xagga darajada ka hooseeyey isaga hase yeeshee, mid ka mid ah kuwa kaniisadda Osiris. Labada wadaad hoostay iskaga yar xumaayeen, sababta oo ah waxay aad ugu kala duwanaayeen xagga dabaca iyo ra’yigaba. Wadaadka kale oo la odhan jiray Bataylus wuxuu ahaa nin kibir badan oo sanka taaga; aadna ugu naxariis daran dadka ka hooseeya. Si qarsoodi ah ayuu u necbaa Ameres; waxana uu dhawr jeer damcay in uu ka faafiyo sheekooyin been ah Ameres. Beentaasoo uu xataa boqorka in uu ka dhaadhiciyo aad iskugu hawlay; si deeto boqorku uu u naco; oo Ameres loogu masaafuriyo dhul fog, isna uu u dhaxlo darajada wadaadka sare. Ilaa markaanse Bataylus umay suurogalin in uu waxyeello sinaba ugu gaysto Ameres, waayo Ameres dadka oo dhan baa jeclaa; boqorkuna wuxuu aad u tixgelin jiray waxgaradnimadiisa. Haweenayda Bataylus iyaduna waxaas oo nacayb ah ee ninkeedu u hayey Ameres way ka warqabtay, aad baanay ugu dadaali jirtay sidii khiddadaha ninkeedu u hirgali lahaayeen. Marka iyada iyo saaxiibadaheed sheekaysanayaanna haddiiba la soo hadal qaado magaca Ameres waxay luli jirtay madaxa si saaxiibadeed u shakiyaan una moodaan inay siro xun ka hayso.

Ameres, isagu xaggiisa, waligii fikradda uu ka qabo caabudaadda ay dadku ilaahyada dhagxaanta ah caabudayaan kagamuu sheekayn gurigiisa. Kala duwanaanta xagga ra’yiga ay wadaaddada ku kala geddisnaayeen waxay ahayd arrin isaga u gooni ah. Ameres haweenaydiisu waxay ahayd qof kibir badan oo darajada odaygeeda ku faanta. Sidaa ay tahay muu faragelin jirin arrimaheeda. Waxaanu oggolaan jiray in siday doonto xoolaha ugu tarki fasho, ha yeeshee xogtiisa marnaba kalamuu sheekaysan jirin. Waxbarashada Jebron iyo Maysana isaga ayaa gaar ahaan uga shaqayn jirey.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Ameres oo fadhiya qolkii maktabadda u ahaa, oo daalacanaya buugaggiisii ayey haweenaydiisii u soo gashay. Waxay ku tidhi, “Waan ka xumahay in aan kaa dhexgalo hawshaada, Ameres. Waxase aan kuu sidaa war aad u muhiim ah. Waxa weeyaan; Nikotis, haweenayda Bataylus, baa galabta halkan iigu timid, oo maxaad u malaynaysaa in ay iila timid? Kuye: waxa habboonaan lahayd iyada oo wiilkayga Blekso iyo gabadhiinna Maysa la isku arooso.”

Ameres baa warkaa isaga ihi kana nixiyey kana cadhaysiiyey. Intuu yar aamusay ayuu yidhi, “Oo waayo! gabadheenu aad bay u yar tahay.” “Aad uma sii yaree adna naga daa,” ayey ugu jawaabtay, “maanta shan iyo toban ayey maraysaa.”

“Gabdhaheena afar iyo toban jirkaa hadda lagu guursadaa,” Ameres baa haddana muddo aamusnaa. Xaalka naagtiisu sheegaysaana wuxuu la noqday in uu run yahay. Wuxuuse dareemay in aanay arrintu la wanaagsanayn. Wuxuu yidhi, “Waa hagaag. Haddii Maysa qaangaadhay waynnu ka fiirsan doonnaa arrintaa iyada ah. Haddaan Blekso dabicigiisa eegose waxay ila tahay in uu yahay wiil camal xun oo raganimadiisu liidato. Mana aha ninkaan kollaba gabadhayda siin lahaa.” Jawaabtaa u bixiyey Ameres may qancin haweenaydiisii. Si ahaan way ula oggolaatay in aan gabadha la siin Blekso. Waxayse damacsanayd in Maysa loo dhiso nin xoolo badan oo reer sare ka dhashay. Si ay markaa iyadu u hesho xoolo badan iyo magac weyn. Waxay markaa tidhi, “Aad baan ugu faraxsanahay diiddadaa aad u diiddan tahay guurkaas fikrad ahaan. Waanan kugu waafaqsanahay waxyaalaha aad ka sheegtay wiilka Bataylus. Laakiin maxaan sabab uga dhigaa diiddadaa markay Nikotis ii timaaddo?”

“Dabcan, runta ugu jawaab,” ayuu yidhi Ameres, “maxaa kaleed odhan?”

Amenes uurkay ka jeclaysatay sidaa xaal u dhacay. Waxay dareentay in jawaabtaa ninkeedu aanay kollaba ka farxinayn Bataylus iyo naagtiisa; waxayna malaysatay in ay sidaasi u noqon doonto qoladaan reer Bataylus darsi ah in aanay carrabka la soo laacin meel ka sarraysa, sida: weydiisiga ay gabadheeda dooneen. Waxase jirtay markii Nikotis ninkeedii Bataylus u sheegtay diiddadii Ameres u diiday gabaddhiisa in loo dhiso wiilkooda, ay meeshaa wax ka dhaceen.

“Kuma dhacaan!” ayuu yidhi Bataylus, isaga oo bahal cadho ah la gubanaya, markii arrintii loo sheegay. “Way arki doonaan in ay sidaas inaga yeeli karaan iyo in kale. Waxan ogahay in Ameres khaa’in yahay oo aanu ilaahyada aaminsanayn. Dadkuse way jecelyihiin oo waxay u haystaan nin wanaagsan oo daacad ah. Boqorka ayuum baana isha ku hayee, beri hore ayaan runta ka sheegi lahaa oo laga caydhin lahaa kaniisadda dabadeed waxa dhici lahayd in aniga la iga dhigo wadaadka sare, waayo wiilkiisa Neko aad buu uga yar yahay darajadaa. Sii joogidda meesha u Ameres sii joogayaa marnaba dantayda ma aha. Kolkuu Ameres dhinto waxa u bislaanayaa darajada, Neko. Halkaasaanan ku waayayaa himiladaydii oo dhan.”

“Markaa waxa lagama maarmaan ah inaanu Ameres sii hayn darajada Wadaadka Sare. Waa in aynu wax kastaa ha dhacaane, xaalkaa wax ka qabanaa. Dhowr jeer oo hore ayeynu arrintaa isla soo qaadnay. Waxanad waligaaba iigu ballan qaadi jirtay in aan maalin maalmaha ka mid ah noqon doono haweenayda Wadaadka Sare ee Masar; wiilkeenna Bleksona darajada dhaxlo marka aad dhimato,” ayey afadiisii tidhi.

“Waad quman tahay Nikotis,” ayuu ugu jawaabay ninkeedi, “kaniisaddana waxaan ku leeyahay saaxiibo badan oo iyaga nafahaantoodu rumaysan in uu Ameres halis ku yahay kaniisadda iyo ilaahyadaba, kuwaasaanan la kaashan doonaa sidii aan u baabi’in lahaa magaca Ameres.”

“Adigu iska aamus anaa jab la maagane, indhahaaga oo shan ah ayaan darajada wadaadka weyn qabsan doonaa Bleksona gabadha Ameres guursan doonaa markaan dhintana u mansabka iga dhaxli doonaa.”

Qeybta 11aad

Jetro baa gabadhii sariir yar oo gees taallay dhigay. Dabadeed biyihii buu ku yar rusheeyey; Amubana madaxuu u salaaxay. Cabbaar ka dib bay indhaha kala qaadday oo ay soo miiraabtay. Isla markaa waxa soo galay laba dumar ah. Markaasay qoladeenii iyagu iska baxeen oo kaga tageen dumarkii. “Waxan rajaynayaa,” buu yidhi Amuba, “in aan yartu dhaawac badan qabin. Oo dharkeedu waxabu iila ekaa dadkii waa reer Yuusuf la lahaa. Inkasta aan moodayay in aynnu dhulkoodii geestaa ku soo dhaafnay. Kollayba yartu waxay u maryo ekayd dadkii aynnu kaga nimid Goshen.”

Wax yar ka dambow ayaa waxa gurigii ka soo baxday mid ka mid labadii dumar ahaa waxanay u sheegtay ragii in gabadhii ladan tahay oo aanay wax nabaro ah qabin. “Yaxaasku,” bay tidhi “gabadha maradeeda uun buu qabsaday ee jidhkeeda aad uma gaadhin. Awoowgeedna wuxuu doonayaa in uu idinku mahadnaqo wanaagga aad u fasheen.” Waxay markaa dib ugu noqdeen gurigii. Waxay arkeen gabadhii oo awoowgeed hoos fadhida oo gacantiisana labadeeda gacmood ku haysa.

Dumarkii oo iyaga markaa hawshoodii dhamaatayna dibadda ayey u baxeen. “Kumaa yartayda nolosheeda nabadgeliyey?” ayuu yidhi odaygii. “Annaga oo dhan. Anigu waxaan ahay Jebron, wiilka Ameres, wadaadka weyn ee kaniisadda Osiris ee Tebis ku taalla. Kuwanna waa saaxiibaday Amuba iyo Jetro, oo ah labo ka mid ah dadkii reer Reebu ee la keenay Masar. Iminkana guriga aabbahay ayay addoon ahaan u joogaan.”

“Run ahaantii waxannu nahay addoontiisii in kasta oo u na yidhi waa saaxiibaday,” ayuu yidhi Amuba. “Waa arrin la yaab leh,” ayuu yidhi odaygii, “in ayaamaha noloshayda u dambeeya wadaad ilaaha Osiris u tukadaa wiil uu dhalay ka dhigo kuwa farxada leh; oo nabadgelyo nolosha inantayda yar. Sidaa waxan u leeyahay waan necbaa weligayba in aan u sujuudo oo aan u tukado ilaahyada Masar. Haddaad dhan kale ka eegtaanse waxaba malaha u habboonayd in uu yaxaasku la tago. Sababta oo ah noloshaydii wax yar baa ka hadhay. Markaan ifka ka tagana keli bay ku noqon doontaa.” Yartii markay hadalkaa maqashay bay intay jilbaha isku taagtay oo odaygii laabtiisa isku tuurtay ayey oohin qadhaadh hiqlaysay.

“Runtii waa sidaas, awoow,” ayuu ugu caqli celiyey odaygii yartii, “waxan soo jirey boqol iyo toban sanadood. Imikana noloshaydii waa dhamaad.” “Waxan ugu yeedhayaa awoow,” ayuu ku yidhi dhalinyaradeenii, “runtiise waxan u ahay awoowgii labaad. Waxa alla waxay dunida ku haysataa waa aniga. Aabbo ma leh, hooyo, awoow iyo ayey midna ma lahaa labadayadaana isku kali ah. Laakiinse waxay aaminsantay Ilaaha midka keli ah ee awoowyaashayo caabudi jireen. Isagaana ilaalin doona.”

Cabbaar ayaa la wada aamusnaa markuu odaygii hadalkii dhameeyey, Dabadeed Jebron baa hadlay, waxaanu yidhi, “Aabbahay waa nin wax garad ah. Cilmigana fiqi ku ah; wax walbana si xaq ah ayuu u eegaa; siday saaxiibaday iiga markhaati yihiin. Wuxuu og yahay in dadkii reer Nebi Yuusuf Ilaah kali ah caabudi jireen. Haddaan markaa Aabbahay weydiisto in u yartaada gurigayaga in ay joogta u oggolaado; wuu yeeli doonaa. Waxan hubaa inuuna waxba ka qabi doonin in ay siday doonto wax u caabudo. Waxannu walaalo nahay gabadh yar oo ay Ruut isku da’ yihiin, oo wanaagsan, naxariis badanna, oo ay rafiiq noqon doonaan.”

Odaygii baa Jebron cabbaar dhugtay. Deetana yidhi, “Hadalkaaga, inanyahow, waxa iiga dhadhamaya wanaag iyo naxariis. Waxaanad ila leedahay weji daacad ah. Dhowr sano ka hor waxan odhan lahaa gabadhayda geeribaa u dhaanta inay u shaqayso Masri; laakiinse markay dhimasho soo dhawaato waxa inoo caado ah in aynnu bedelo ra’yigeenna. Ruut, waad maqlaysaa soo dhaweynta lagu siiyey. Adiguun baana ku tashanaya sidaad jeceshahay. Ma waxaad raaci sayidkan yar ee Masriga ah oo aad walaashii u shaqayn, mise waxaad tegi reerihii dadkeenu deganaayeen?” Ruut baa sara joogsatay oo aad u eegtay Jebron, deetana waxay ku jeedsatay Amuba iyo Jetro.

Markay seddexdoodaba isha kala dheregtay ayey tidhi, “Waxan rumays nahay in Ilaahay ii soo dooray oo iigu soo diray in ay noloshayda uun nabad galiyaan kaliya maahee waliba inay ii kaalmeeyaan inta aan noolahay. Nimankan wejigooda waxan ka arkaa wanaag. Haddii markaa ninkan yar aabbihii ii oggolaanayo, awoow markaad dhimato, waan raaci. Sidii roonna Rabbaa og.”

“Waa si wanaagsan,” ayuu yidhi odaygii, “Imikaanan si fudud u dhiman karayaa oo aan luxudka qabanayaa; waayo, ducadaydii baa Ilaahay aqbalay. Waxaanan ninyohow yari Ilaahay kuu baryayaa in uu sidaad ilmahayga ka yeeshay adigana kaa yeelo.”

“Iminkana waanu idin ka tegeynaa, waayo adna waad iska daallan tahay, Ruutana yaxaaskii baa si ba’an uga bajiyey oo nasasho ayey iskaga baahan tahay. Waxannu degney oon kaam ka dhiganay meel hal mayl inoo jirta oo wabiga uun la siman; bari baanannu idinku soo noqoneynaa.”

Dhallinyartii markii ay gurigii ka baxeen ka dib in muddo ah midkoodna eray kama soo bixin. Jebron baa hadlay oo yidhi, “Waan in aan aabbahay warqad u qoraa, oo aan wax alla wixii dhacay oo dhan uga warramaa. Waxan u dhiibi doonaa mid addoonta ka mid ah. Odaygu wuxuu ku farxi doonaa wax alla waxaa aynnu u samaynay yartaa miskiinadda ah. Aabbahay waa inaan waliba uga warramaa mushkiladda i haysata.”

Amuba ayaa yaabay oo weydiiyey, “Oo waa maxay mushkiladda ku haysataa?” “Miyaadan garanayn. Amuba, in aan ka qayb galay dilkii yaxaaska oo taasina tahay arrin ku xaaraan diintayada. Maxaase kaleen yeeli lahaa? Ma bahal qof cunaya ayaad dayn karaysaa?”

“Hubaal wax kale oo aad yeeshaa meesha ma ool. Kol haddaanad ku odhan karteen intaad dhegta ugu qabato: ‘Waar waa khalad inaad yarta cuntaa.’ Adigu wixii kula gudboonaa uun baad yeeshay. Haddaad si kale u eegto adiguba maaddiline, wuxuu ku dhintay tumaatidii Jetro iyo ninka kale,” ayuu yidhi Amuba.

“Ma fahmaysid Amuba, sida arrintu tahay. Walow aanan lahayn nafta yaxaaska ayaa ka muuhiimsan naf qof baniaadam ah; waxase jirta in yaxaasku yahay xayawaan xagga diintayda ku dheer, qofkii wax yeelana ay balaayo ku dhacayso.”

“Sidaas hadday tahay,” buu uga daba qaatey Amuba, “Jebron, balaayadu waa in ay ku dhacdaa dadkan jooga dhulkan la ogol yahay in yaxaaska la dilo. Marnaba u malayn maayo in balaayada ku dhacda iyaga tu ka badani kugu dhacayso.”

“Waa laga yaabaa in sidaasi jirto, Amuba, laakiinse eeg ilaahyada qaar baa meelo badan oo dalka ah lagu cabudaa,” ayuu ku dooday Jebron. “Waa yahay. Dee markaa saaxiib dhiiggaaga qabooji. Waayo kol haddaan halkan lagu caabudin wax kugu dhacyaana ma jiraan. Aabbahaana waxba odhan maayo, waayo adigu waxba maad yeelin bahalka.”

Jebron baa warqad dheer aabbihii u qoray. Wuxuu u yeedhay Rabah oo ku amray in uu warqadda addoon orad badan u dhiibo. Subaxnimadii dambe ayuu addoonkii oo cararaya oo jawaabtii Ameres sidaa yimid. “Aabbahay wuu ila waafaqsan yahay,” ayuu yidhi Jebron isaga oo faraxsan markuu dhameeyey akhrigii warqadda, “Waan iska garanayey in uu sidaa igu raacayo. Iminkana waxan u tegi doonaa odaygii. Saaka idinka idiima baahni. Markaa haddaad doontaan iska kalluumaysi taga.”

Jebron baa dabadeed u ambabaxay xaggii gurigii odayga iyo inanta yar ee uu awoowga u yahay joogeen. Markuu meeshil yimid gabadhii Ruut waxay ka shaqaynaysay beer yar oo guriga hortiisa ku taallay. “Aad buu u jecal yahay awoowgay,” bay ku tidhi Jebron, “in uu ku arko. Laakiinse saaka sidii hore wuu ka sii liitaa.” Deeto waxay u horkacday xaggi guriga. Markay qolkii odayga soo galeen ayuu Jebron odaygii ku yidhi, “Ruut baa ii kaa sheegtay in aadan saaka roonayn; ee bal iska warran.” “Waxan la yaabay,” ayuu odaygii yidhi, “waxaan naxdintii shalay i gaadhay ugu dhiraan waayey. Saa saaka haayoo ma fiicni.”

“War wanaagsan baan kuu hayaa,” buu Jebron odaygii ugu bishaareeyey; “shalay baan aabbahay warqad u diray ku saabsan arrintii, jawaabtiina saaka ayaan ka helay.”

Markaasuu warqaddii qaybtii Ameres kaga hadlayey ogolaanshaha Ruut, kor ugu akhriyey odaygii. “Aad baan kuugu mahad naqayaa,” buu odaygii Jebron ku yidhi; “Ilaahaygana waxan kuu baryayaa in uu ku taageero. Waxaanse doonayaa in ay gabadhu ila joogto ilaa inta ayaamahan.” “Waa sidaas Aabbahayna wuxuu sheega in uu kharashka ku bixin doono ilaa ay gaadhayso Tebis u qalqaaliyey.”

Labo maalmood bay Jebron iyo kooxdii la socotay sii joogeen jiiddii webiga agtiisa ee ay kalluumaysiga iyo ugaadhsiga ugu tamashlaha yimaadeen. Markay ka xiiso dhaceen taasina waxay ku noqdeen Goshen halkii ay Ameres kaga yimaaddeen.

Meeshaasoo ay giddigood laba bilood oo kale sii joogeen; isaga oo Ameres gaar ahaan u indha indhaynaya habka shaqada beeraha laga qabanayaa u socoto. Haddii uu ka bogtay kormeeriddaana waxay isaga iyo intii la socotay u soo ambabaxeen Tebis.

Kolkay gurigoodii Tebis ku soo noqdeen baa addoon u yimid Ameres oo u sheegay in gabadh yaroo magaceeda la yidhaa Ruut ay guriga timid oo ay doonayso in ay aragto isaga. Addoonkii buu ku amray in uu soo kaxeeyo gabadha; islamarkaana u yeedho Jebron.

“Aad baan ugu faraxsanahay gabadh yahay yari, in aan ku arko,” ayuu wadaadkii ku yidhi Ruut, markay isa soo hortaagtay, “Waxan filayaa in hadda awoowgaa dhintay; mar haddaanad, isaga oo sida wiilkaygu warqadda iigu soo sheegay, ahaa nin aad u da’ weyn, ka iman karteen.”

“Haa, sayidii, wuxuu dhintay bil ka hor,” ayey ugu celisay Ruut, “Laakiinse halkan waxan imid laba toddobaad horteed, waayo waxan hore u waayey doonni aan halkan u soo raaco.”

“Jebron,” ayuu yidhi Ameres, “orod u yeedh Maysa.” Jebron baa markiiba u yeedhay Maysa oo hore u maqashay in gabadha iyada loogu keenay in ay noqoto adeegaheeda gaarka ah; waxanay aad ugu xiiso qabtay warka uu Jebron ka sido gabadhu siday uga nabadgashay yaxaaska.

“Gabadhan waxa la yidhaa Ruut,” ayuu Ameres ku yidhi Maysa markay soo gashay, “Rafiiqii kali ahaa ee ay dunida ku lahaydna wuu dhintay, markaa waxan aabbo kaa doonayaa in aad u qalbi jilicsanaato. Waxaad ka dhigtaa adiga oo dad aanad aqoon lagu dhex geeyo oo kale, sidaad noqon lahayd. Waxa laga yaabaa in ay inta hore la socon kari waydo dhaqankeenna; waa inaadse ku dadaashaa sidaad u qariib bixin lahayd.” “Waxba iska hagran maayo, aabbo,” ayey Maysa ku jawaabtay, “sidii aan joogitaankeeda u fududayn lahaa.”

“Hubaal aad baynnu isku jeclaan doonaa; waxanan rajaynayaa, markaynu aad isku baranno, in aanad iga arkayn wax ku dhiba,” ayey raacisay Maysa. Ruutna waxay ku kordhisay, “Shaki waxanu ku jirin in aynnu saaxiibo wanaaggan noqon doonno. Waligay ma helin qof aannu isku da’ nahay oo aan saaxiibno. Waxaan isku deyi doonaa in aan ku raali galiyo; waayo aabbahaa iyo walaalkaaba waxanan waligay ila wayn bay ii tareen.”
Intaa haddii la isdhaafsaday baa Ameres ku yidhi Maysa, “Imikana aabbo israaca oo beerta iyo xayawaanka aad leedihiin soo tutusa, gee oo u sheeg waxa hawlaheedu noqon doonaan.”

Muddo aan badnaynba ka dib ayey Ruut si fiican ula qabsatay hoygii cusbaa iyo dhaqankii cusbaa ee maqaadiirtu la soo doontay. Maysa ayay u noqotay rafiiq iyo jaariyad labadaba. Waxay u raaci jirtay mijabaxsiga iyo tamashlaha iyaga oo Jetro daba gaambinayo, mararka qaarkood waxay la caawin jirtay marka tan kale xayawaanka wax siinayso yaalaana waqtigood wuxuu ahaa sheeko ay midiba mid ku maaweelin jirtay waxay sheekooyin hayso.