Cayayaanka

Cayayaan waxaa la yiraahdaa xayawaanka kuwiisa yaryar, sida duqsiga, kaneecada, booddada, injirta, barambarada, shinnida, dhurdaha, balambaalista, roobladhacda iwm. Sida magacyada aan soo sheegnay laga garan karo cayayaanka waxaa ka mid ah, kuwo wax dhiba, sida: duqsiga, kaneecada, booddada, injirta iyo barambarada; kuwo wax tara, sida: shinnida iyo dhurdaha, kuwo aan dadka waxna u tarin waxna u dhimin, sida: balambaalista iyo roobladhacda.

Danta casharkaan laga leeyahay waxaa weeye inaan barannaa cayayaanka kuwiisa dadka caafimaadkiisa dhiba, si ay dabadeed u sahlanaato iskajiriddoodu. Kuwaas waxaa ka mid ah duqsiga, kaneecada, booddada, injirta iyo barambarada. Sida uu cayayaanku cudurrada dadka u gaarsiiyaa waa inta qofka buka ama wasakh meel taal ku hakado uu ka soo qaado jeermiga iyo uumanka kale ee cudurka kiciya oo uu markaas qofka fayow jirkiisa ama cunnada uu cunayo iyo cabitaankiisa ku abuuro. Cayayaanka qaarki cudurka wuxuu ku faafiyaa qaniinyo, sida: kaneecada, qaarka kalena inuu wasakhda qaado, sida: duqsiga iyo barambarada. Giddigood kuwaas cudurrada keena, waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin “gaadiid cudur”. Dadku aalaaba waa sahladaa bahalladaas waxyeelladooda, taasoo aan dhici lahayn hadduu ogaan lahaa in dhibka ay dadka caafimaadkiisa u geysanayaan uu aad uga badan yahay kan bahallada waaweyn. Sidaas daraaddeed waxaa loo baahan yahay in bahalladaas lala dagaallamo.

LAYLIS:
1. Sheeg qaybaha cayayaanka xagga waxtarka iyo waxyeellada, adoo qayb walba wax ka magacaabaya?
2. Maxaa lagu tilmaamaa cayayaanka cudurrada keena?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *