Tag Archives: Yuusuf Sh. Cali Samantar

Xannaanada Dhallaanka

Xannaanada dhallaanku waa hawl looga dan leeyahay in lagu daryeelo danaha carruurta yaryar, si ay ugu koraan nolol wanaagsan. Haddaba waxaa isweydiin leh sidee baa xannaano fiican loo taaran karaa ilmaha. Waxa ugu horreeya oo la fakari karaa waa in cunno la siiyaa; laakiin arrintu ma aha cunnoy cunno ma tahay ee waa inay ahaata cunnada dhallaanka la siinayaa mid habboon xagga tirada iyo xagga noocaba, waafiqi kartana dheef shiidkooda. Hooyooyinka Soomaalida waxaa caado u ah inay ilmahooda ilaa ay 2 – 3 sano ka gaaraan ku quudiyaan caano keli ah ama ha ahaadeen kuwa naaskooda ama kuwo xoolaaha. Waxaa iyana dhacda inay subagga ugu roonaadaan. Hase yeeshee, caanaha iyo subaggu wax kastoo ayan sidooda u xumayn, haddana keligood ma noqon karaan cunno habboon, iyadoo ay weliba dhici karto haddii laga badiyo qiyaastii la rabey inay ilmaha caafimaadkooda wax yeelaan.

Ilaalinta caafimaadka iyo nadaafadda dhallaanku waxay iyaduna tiir weyn ka tahay xannaanadooda. Lama huraan bay dhallaanka koriddiisa u tahay nadaafaddu, ama ha ahaato midda oogada ama midda dharka ama gurigee. Isla sidaasoo kale cudurrada ka hortegiddooda iyo haddii ay ilmaha ku dhacaan in dhaqso looga daaweeyaa waa wax qaayo weyn u leh koridda wanaagsan. Haddaan xag kale ka eegno waxaa iyadana sahal loo garan karayaa faa’iidada ay dhallaanka koriddiisa u leeyihiin qorraxda, neecawda wanaagsan iyo cayaaruhu. Xagga koridda garaadka ilmaha waxaa qiimo weyn u leh sheekooyinka iyo maaweelada carruurta.

LAYLIS :
1. Maxay yihiin waxyaalaha lagama maarmaanka u ah koridda wanaagsan ee dhallaanka?

Faa’iidada Cayaaraha

Markaan halkaan cayaaro ku leennahay uma wadno kuwa iyadoo la fadhiyo lagu madadaasho, sida turubka, jaraha, shaxda iwm., ee waxaan u dan leennahay cayaaraha jimicsiga, sida: kubbadda, orodka, bootinta, teeniska, dabaasha iwm.
Waxaa isweydiin leh sidee bay cayaaruhu qofka wax ugu taraan. Cayaaruhu qofka caafimaadkiisa jirka ah iyo waxgarashadiisaba wax bay u taraan. Waxaa la wada ogsoon yahay sida qofka cayaaraa uu uga nashaad badan yahay kan aan cayaarin, haddii la eego jirkiisana laga garanayo inuu yahay jir tayow. Waxaa intaas raaca in qofku cayaaraha ku barto bulshaynimada. Marka, haddaan dib ugu noqonno sida oogada qofku cayaaraha uga faa’iidaysato waxaa xusid u baahan in inta cayaartu socoto oo dhan wadnaha shaqadiisu siyaado lahay oo sidaas daraaddeed dhiigga wareeggiisu ka badan yahay intii hore. Taas micneheedu waxaa weeye in qofka jirkiisu ka helayo dheef iyo oksijiinba qiyaas ka badan intuu heli lahaa haddii uusan cayaarin. Isla mar ahaantaas waxaa kordhaya dhiigga iskasaariddiisa wixii doorsoon ahaa oo ku soo dirriyey intuu oogada ku wareegayey.
Maskaxdu waa xubinta koowaad oo dhiigga ugu baahi weyn, taasoo na garansiinaysa sida ay uga faa’idaysanayso dhiigga wareeggiisa kordhaya markii la cayaaro iyo sida arrintaasi u kaalmaynayso qofka waxgarashadiisa, dhugtiisa, iyo bulshaynimadiisaba. Awal baa horay loo yiri: Jir fayow baa maskax fayow leh.

LAYLIS:
1. Maxaa iska beddela qofka cayaaryahanka ah jirkiisa intuu cayaarta ku dhex jiro?
2. Jirka ma ahee maxaa kaloo ka faa’iidaysta cayaarta?
3. Waa kuwee cayaaraha jimicsiga oo qofka wax u tari karaa?

Hurdada

Hurdadu waa xaalad fisolooji ah oo qofka ama xayawaanku ay ku jiraan baraarug la’aan, loogana dan leeyahay in lagu nasto.
Qofku ma aha sida aaladaha oo kale oo ay dhici karto inay muddo dheer shaqeeyaan iyagoo aan wax dhib ihi gaarin, shaqadooduna is dhimin. Qofku haddii uu qabto hawl aad u culus ama uu shaqeeyo saacado ka badan awooddiisa waa uu daalaa oo wuxuu u dhibaatoodaa inuu nasto. Qofku wuxuu ku nasan karaa inuu meel iska fariisto oo uusan waxba qabanin ama uu seexdo. Haddaba, nasniinta runta ah waxaa lagu gaari karaa hurdada, taasoo qofka siinaysa nasniin jirka iyo maskaxdaba ah. Hurdada la rabaa ma aha uun indhaha isku qabo oo is leged ee waa inay ahaataa mid xeel dheer oo qofka illawsiisa waxa agtiisa ka dhacaya, xubnihiisana dabcisa. Intaas waxaa raaca in qofku markuu tooso uu iska gartaa raaxo kaamil ah. Taas dambe waxaa laga fahmi karaa in hurdada qaarkeed aysan ahayn tii la rabey, sida tan sudeexa ah oo kale.
Hurdada wanaagsan shardi uma aha in qofku seexdo meel raaxa badan, sida guri gudihi iyo sariir korkeed, ee waxaa dhici kara in dadka qaarkii si fiican u seexan karaan iyagoo baabuur ku jooga ama ku jiifa meel dhinaca u daran.
Waxaa cilmiga takhtarnimadu sheegaa inay jiraan meelo maskaxda ka mid ah oo ku shaqo leh hurdada.

LAYLIS:
1. Waa tee hurdada habbooni?

Saxarada

Saxaradu waa waxa ka soo hara cunnada iyo cabbitaanka qofka, markay oogadiisu dheefsato kaddib, waxaasoo dhibaato mooyee aan faa’ido isaga u lahayn oo sidaas daraaddeed loo baahan yahay in oogadu iska saarto.

Saxaradu waxay ka koobantaa kaadida iyo xaarka oo midina ibta soo marto midka kalena digootada. Waxaa xusuusin u baahan inay jiraan waxyaalo oogadu nacday oo raaca neefta iyo mantagga.

Mar haddii la yiri saxaradu waa wax oogada dhibaya waxaa sahal loo garan karayaa in loo baahan yahay inay oogadu iska fogayso, waxaase su’aal u baahan inta kaadi iyo xaar ah oo la doonayo in qofka weyni dhigo habeenkii iyo maalintii. Taasi run ahaan ma sahlana maxaa yeelay waxay ku xiran tahay waxyaalo badan, sida: tirada iyo nooca cunnada iyo cabbitaanka qofka, kulka iyo qabowga xilliga la joogo, qofka dhaqdhaqaaqiisa iyo caadadiisa. Hase ahaatee qiyaasta dhexe oo lagu sheego inay caadi tahay waxaa weeye inay kaadidu ahaato hal litir iyo bar habeenkii iyo maalintii, xaarkuna tummun cunnada la cunayo, taasoo ah ku dhowdhowaad 120-200 oo garaam, haddii qofku cunno kaafi ah cuno.

Qiyaastaas aan kor ku sheegnay waa midda la rabo, hase yeeshee waxaa dhici kara inay qofka ku dhacaan cudurro ka durkin kara qiyaastaas iyada ah. Cudurrada badiya kaadida waxaa ka mid sokorowga, kuwa xaarka badiyana daacuunka.
Cudurrada kaadida yareeya waxaa ka mid ah kaadixiranka, kuwa saxarada yareeyana yabuusada.

LAYLIS:
1. Qofku hadduusan saxaroon maxaa gaari kara?
2. Waa kuwee cudurrada saxarada yareeya iyo kuwa badiyaa?

Cunnada Habboon

Cunnadu waa waxa qofku cuno si uu noloshiisa ku baaqi yeelo. Waa wax la wada ogyahay inaan la noolaan karin cunno la’aan, hase yeeshee cunnoy cunno ma tahay arrintu ma aha. Qofku jaad keli ah ama jaadad yar oo cunno ah waa isaga noolaan karaa, laakiinse taasi ma aha midda habboon.
Dalkeenna meelo ka mid ah waxaa dadku ku nool yahay caano iyo hilib iyo subag keli ah, wax caysh la yiraahdana ma arko, ama waa naadir. Waxaa jira meelo kale oo dadkoodu ku nool yahay badar iyo wax yar oo caano ama hilib ah.
Taasi iyana ma habboona. Waxaa iyana jira meelo adduunka ka mid ah oo dadkoodu ku nool yahay cagaar keli ah, sida xoolaha oo kale, wax hilib la yiraahdana aan laga aqoon, taasoo ay ku wacan tahay in dadkaasi diimaha uu rumaysan yahay daraaddood uu ku noqday cagaaryahan. Waa iska caddaan inaan habkaas saddexaad oo cunnada ahi isaguna habboonayn. Haddaba waxaa isweydiin leh: waa maxay cunnada habbooni?

Saddexdii hab oo cunnada ahaa oo aan soo aragnay mid sidiisa u xumi ma jiro, illowse mid waliba waa qabyo.
Haddii saddexdooda laysku dari lahaa waxaa ka soo bixi lahaa cunnada habboon oo la doonayo in qofku helo, si uu ugu noolaado nolol wanaagsan iyo caafimaad. Marka waa inay cunnada la cunayo ku wada jiraan caysh (badar, bariid, baasto, rooti, digir, iwm.), dhaayin (hilib, caano, kalluun, iwm.), dufan (subag, saliid, baruur iwm).

Innagoo aan haatan u sii daadegin qayaasta go’an oo saddexda jaad oo waaweyn la doonayo in laga helo maalin walba waxaan oran karraa inay kafaayo tahay haddii qofku cuno saxan fiican oo badar ama bariid ama baasta ah, qadada iyo cashada, cad hilib ama kalluun ah labada goorood, macalgad subag ama saliid qadada iyo cashada, midkiiba. Qofka shaqada gacanta ah oo culus qabtaa waa in loo badiyo cayshka, kan maskaxda aad uga shaqeeyana dhaayinka. Intaas waxaa raaca in loo baahan yahay inay cunnada ka mid ahaadaan khudaar, cusbo iyo biyo.

Carruurta koraysaa waxay u baahan tahay fiiro gooni ah oo u oggolaata inay helaan cusboodka iyo fitamiinnada kobciddooda lagama maarmaanka u ah.

LAYLIS:
1 . Maxaa la doonayaa inay ku wada jiraan cunnada habboon?
2. Carruurta kobciddeeda maxaa lagama maarmaan u ah cunnada mooyee?
3. Cunnada reer miyigeenna iyo tan beeraleydeennu cunaan ma yihiin kuwo habboon?

Qorraxda

Qorraxdu waa jurmi dabiico oo faa’iidooyin badan u leh dadka iyo nafleyda kaleba. Qorraxdu siyaalaha ay wax u tartaa waa labo: kulayl iyo iftiin. Xagga caafimaadka haddaan ka eegno labaduba waa lagama maarmaan. Faa’idooyinka kulaylka qorraxdu dadka u leeyahay waxaa ka mid ah: jeermi iyo uuman badan oo kale oo cudurro keena oo ku le’da; oogada oo ku diirsata iyo fitamiin D-ga oo intifaaciisu ku wanaagsanaado; dareenka oogada oo ku wanaagsanaada; dulalka dhididka oo shaqadoodu ku fiicnaato. Iftiinku isaguna faa’idooyin buu u leeyahay caafimaadka dadka. Waxyaalaha uu taro waxaa ka mid ah inuu indhaha araggooda kaalmeeyo iyo maskaxda shaqadeeda. Arrimahaas aan soo sheegnay haddii loo fiirsado waxaa la ogaan karayaa faa’idooyinka qorraxdu dadka caafimaadkiisa u leedahay. Horay baa waxaa loo yiri, “gurigii qorrixi gasho takhtar ma galo”, taasoo micneheedu yahay in qorraxda fallaareheedu qabtaan shaqo badan oo takhtarka laga rabey oo ay sidaas daraaddeed meeshay gasho baahida takhtarka loo qabaa yaraanayso. Mar hadday arrintu halkaas joogto waa wax la garan karayo inay lagama maarmaan tahay in qofku uu helo qorrax oogadiisa ku dhacda, meesha uu seexanayo iyo tan uu ka shaqaynayana ay qorraxdu soo gasho. Taas dambe waxay u baahan tahay in guryaha iyo xafiisyada loo yeelo dariishado iyo albaabbo u oggolaan kara in qorraxdu soo gasho maalin walba.

LAYLIS:
1. Maxay tahay qorraxdu?
2. Faa’iidooyinka qorraxdu caafimaadka u leedahay saddex ka mid ah sheeg?
3. Sidee baa loogu oggolaan karaa in qorraxdu guryana iyo xafiisyada soo gasho?

Neecawda

Neecawda waa hawada korkeenna maraysa, meel kastoo dalooshana buuxinaysa. Neecawdu faa’iidooyin badan bay nalleyda oo dhan u leedahay, hase yeeshee faa’idooyinka halkaan aan uga hadlaynnaa waa kuwa qofka caafimaadkiisa ku lug leh.
Tan ugu horreysaa necawda socodkeedu wuxuu raad weyn ku leeyahay xagga kulka yo qabowga meesha aynnu ku noolnahay. Waa wax la wada ogsoon yahay in markay neecawdu yaraato, sida markaas ay urtu isu beddelayso qofku kul uu dareemo markay aad u socotana dhaxan, sida xagaayohoo kale.
Faa’iidada labaad oo neecawdu qofka caafimaadkiisa u leedahay waa inuu ka helaa hawo uu neefsado, haddii kale maba uu noolaan kareen. Neecawda neefsigeedu qofka noloshiisa waa uga qiimo weynyahay cunnada iyo cabbidda, maxaa yeelay labadaan waxyaalood oo dambe muddo dheer buu moogaan karaa, laakiinse neecawda hadduu ugu bato wuxuu ka maarmi karaa daqiiqado yar keli ah. Qofna kama daahna in haddii qofka sanka iyo afka laga xiro amaba la ceejiyo uu degdeg u dhimanayo.
Waxaa xusid u baahan inaan sheegno, inayan waxyaalaha neecawdu ay ka kooban tahay isku faa’ido u ahayn qofka noloshiisa.
Shayga lagama maarmaanka ahi waa ogsajiinka oo neecawda aan neefsanaynno boqolkiiba labaatan ka ah.

LAYLIS:
1 . Sheeg faa’idooyinka neecawdu qofka caafimaaadkiisa u leedahay?
2. Muxuu yahay shayga lagama maarmaanka ah oo neecawda aan neefsanaynno ku jiraa?

Silsiladda Faafidda Cudurrada

Magacaas waxaa la siiyaa dhabbaha cudurradu sii maraan markay qofka buka ka tagaan oo ay u socdaan kan fayow. Silsilad waxaa loogu magacaabay maxaa yeelay sida silsiladdu u leedahay guntimo is daba yaal oo markii la rabo la kala furi karo ayaa cudurrada lays qaadsiiyaa u leeyihiin minqaadyo ay ku hakadaan intay jidka ku sii jiraan, minqaadyadaasoo ay dhici karto in mid kasta cudurka lagu joojin karo, sidii silsiladdii la kala furayey oo kale.

Cudurrada lays qaadsiiyo mid waliba wuxuu leeyahay silsilad uu sii raaco oo ay dhici karto inay ka duwan tahay tan kuwa kale. Taas aan soo sheegnay waxaa laga garan karayaa halqabsiyada aan hoos ku soo sheegi doonno.

— Kaadidhiigga: silsaladda faafidda kaadidhiigu waxaa weeye:

Qofka buka – biyaha webiga – bocool webiga laga dhex helo – biyaha webiga – qofka fayow.

— Duumada: Silsiladda faafidda duumadu waa:

Qofka buka – kaneecada Anofelesta dheddig – qofka fayow.

— Daacuunka: Silsiladda faafidda daacuunka waa:

Qofka buka – biyaha ama cunnada – qofka fayow.

Danta laga leeyahay barashada silsiladda faafidda cudur walba waa in awood loo yeesho sidii looga hor tegi lahaa intuusan dad badan saaban, Taasi ma suurowdeen haddii aan la aqoon cudur waliba markuu qofka buka u soo gudbo oo uu u socdo kan fayow meelaha uu ku sii dhaxayo.

LAYLIS:
1. Maxay faa’iido dadka u leedahay aqoonta silsiladda faafidda cudurrada lays qaadsiiyo?
2. Maxaa dhici kara haddii cudur lays qaadsiiyaa meel ka kaco asaan la aqoon cudurkaasi siduu u faafo?

Cudurrada Lays Qaadsiiyo

Cudur lays qaadsiiyaa waa cudurkii qofka fayoobi qof buka ka qaadi karo. Laba siyood baa qofka fayoobi kan buka cudurka uu qabo uga qaadi karaa, kuwaasoo ah “abbaar” iyo “duurxul”. Abbaartu waa haddii cudurka la kala qaado iyadoo aan labada qof wax jirrada u kala qaadaa ayan dhexdhexaadin. Taas waxaa halqabsi inoo ku noqon karta ifilada.
Haddii qof ifilo qabaa qof fayow soo hor fariisto oo markaas ku neefsado ama ku qufaco wuxuu sidaas ugu gudbinayaa fiiruska cudurka keena.
Sida duurxulka ahi waa haddii qofka jirran iyo kan fayow wax cudurka u kala qaadaa ay soo dhex galaan. Taas waxaan halqabsi uga dhiganaynnaa dabadhiigga. Sida loo kala qaadaa dabadhiigga waa in qofka buka saxaradiisu gaartaa cunno ama cabbitaan oo markaas qofka fayoobi inta cuno cunnadaas dheehantay uu ku jirrado. Waxaa taas la mid ah in qofka fayow farihiisa ay gaarto wasakh jeermiga dabadhiigga wadda oo uu isagoo aan faro xalan gacmaha wax ku cuno. Sida aan uga sheekaynnay dabadhiigga kala qaadiddiisa waxaa laga garan karaa inayan shardi ahayn in labada qof oo cudurka kala qaadayaa is arkaan amaba ay meel wada joogaan. Cudurku si uu qofka fayow ku soo gaaro waa inuu meelo ka soo laabto, taasoo ah sababta loogu magacaabay duurxul habka cudurkaan loo kala qaado.
Labadii halqabsi oo aan soo sheegnay waxaa laga garan karayaa in haddi la doonayo in layska ilaaliyo ifilada iyo cudurrada kale oo la midka ah, sida hargabka iyo qaaxada, loo baahan yahay in qofka buka u dhowaanshadiisa layska jiro; haddiise la doonayo in layska ilaaliyo dabadhiigga iyo cudurrada kale oo la midka ah, sida daacuunka, ameebaha iyo gooryaanka, in laga taxaddaro cunnada iyo cabbitaanka iyo faraha nadaafaddooda.

LAYLIS:
1 . Muxuu yahay cudur lays qaadsiiyo?
2. Sidee baa cudurrada loo kala qaadi karaa?

Xaakada

Xaakadu waa dhashuun doorsoomay oo ka soo go’a qofka xabadkiisa markii uu khaakhsado ama uu qufaco.
Haddii qofkaasi jirran yahay oo qabo hargab, qaaxo, qaarjeex iyo wixii la mid ah waxaa ku dheehan xaakadiisa jeermigii cudurka uu markaas qabo keenay.

Haddii ruuxa jirrani uu dhulka ku xaakoodo xaakadaasi wey engegi, jeermigii ku jirayna hawada ayuu la bidayaa, kolkaasaa dadkii fayoobaa neefsadaan oo cudurkii ka qaadayaan. Sidaas daraaddeed ayay reebban tahay in dhulka lagu xaakoodo ama lagu diifsado, siiba meelaha lagu kulmo, sida: guryaha hanuuninta, shineemooyinka, beeraha nasniinta, suuqyada, dugsiyada, isbitaallada iyo wixii la mid ah.

Qofkii xaakoonayaa ama diifsanaya waa inuu masar ama calal nadiif ah afka ku daboola si waxa ka soo go’ayaa ayan dibedda ugu dhicin oo markaas dad kale cudur ugu keenin.

Isbitaallada dadka bukaa jiifo, siiba kuwa qaaxada, waa reebban tahay in dibedda lagu xaakoodo. Halkaas qof waliba wuxuu leeyahay weel yar oo dabool leh oo uu ku xaakoodo, markii uu buuxiyana xaakada waxaa lagu daadiyaa meel loo sameeyey oo lagu gubo, weelkana waxaa lagu dhaqaa daawooyin loo washirey.
Xagga edebta laftigeeda kuma fiicna in dibedda lagu xaakoodaa.

LAYLIS:
1. Xaakada qofka cudur saabka ah qaba maxaa laga qaadaa?
2. Maxaa laga doonayaa qofka xaakoonayaa ama diif-sanayaa inuu ku isticmaalo?
3. Isbitaallada qaaxada sidee baa xaakada loo galaa?