Xadiiska 35aad

IS—XAQ—DHOWRIDDA XUBNAHA BULSHADA

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم ” لَا تَحَاسَدُوا، وَلَا تَنَاجَشُوا، وَلَا تَبَاغَضُوا، وَلَا تَدَابَرُوا، وَلَا يَبِعْ بَعْضُكُمْ عَلَى بَيْعِ بَعْضٍ، وَكُونُوا عِبَادَ اللَّهِ إخْوَانًا، الْمُسْلِمُ أَخُو الْمُسْلِمِ، لَا يَظْلِمُهُ، وَلَا يَخْذُلُهُ، وَلَا يَكْذِبُهُ، وَلَا يَحْقِرُهُ، التَّقْوَى هَاهُنَا، وَيُشِيرُ إلَى صَدْرِهِ ثَلَاثَ مَرَّاتٍ، بِحَسْبِ امْرِئٍ مِنْ الشَّرِّ أَنْ يَحْقِرَ أَخَاهُ الْمُسْلِمَ، كُلُّ الْمُسْلِمِ عَلَى الْمُسْلِمِ حَرَامٌ: دَمُهُ وَمَالُهُ وَعِرْضُهُ” . 

Waxaa laga weriyey Abuu Hureyra (Allaha ka raalli noqdee), in uu Rasuulkii llaahay yiri:
Ha is—xaasidina, ha isku fallisina badeecadda idinkoo uga dan leh in qof kale lagu qaaliyeeyo sicirka, ama hoos looga dhigo qiimaha, ha isu caroonina, ha isu dhabar jeedinina, badeecad qof baayacayo ha ka hor baayicina. Noqda addoomo llaahay oo walaalo ah, Muslimkuna qofka Muslimka ah ma dulmo, ma hoojiyo, ma heeniyo, ma quursado. Taqwadu waa halkaan isagoo gacanta saaray (SCW) laabtiisa saddex jeer. Waxaa shar ugu filan qofka in uu quursado ama yaso walaalkiisa Muslimka ah, qof kasta oo Muslim ah, waxaa ka xaaraan ah dhiigga Muslimka xoolihiisa iyo sharafkiisa.
Waxaa weriyey Muslim

SHARAXA
Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa ka hortegidda waxyaalaha dadka kala geeya ee isku dira, waxaanu xaaraantinimeeyey sagaal (9) arrimood oo ka mid ah waxyaalaha dadku isku naco ee kala fogeeya:
1. Waa xaasidnimada oo ah inaad kahato ama ka xumaato waxa qofka kale u kordha oo kheyr ah, waana dabeecad aad u xun, maxaa yeelay, qofkii isagoon waxba la yeelin, waxba laga dhimin xaqiisii, ayuu ka xun yahay kheyr Rabbi qof kale ku galladaystay, marka xaasidnimadu waa cudur aad u kala fogeeya dadka;
2. Arrinka labaad waa fallisaad badeecad iyadoo qof loogu daneynayo in qiimaha looga kordhiyo ama looga yareeyo, tusaale ahan, wuxuu ku kordhinayaa alaab la naadinayo qiimaha isagoon iibsanayn ee doonaya in qiimuhu u kordho qofka alaabta iska leh;
3. Waa carada, lyaduna waa waxyaalaha dadka isku dira,maxaa yeelay, laba qof oo isu careysan waxba wada qabsan maayaan marka waa in carada laga xoroobo, haddii la caroodana waa in laga soo noqdo oo aan qalbiga lagu haysan;
4. Waa inaan dhabarka leysu duwin oo aan la kala jeesan, marka laba qof oocaloosha wax isugu haya iska hor—yimaadaan, isma arki karaan, wejiganan isma siin karaan, markaasay kala jeestaan, haddey iska hor—yimaadaan, marka laba qof oo aan is—arki karayn siday wax u wada qabsan karaan?

Xadiis kale, wuxuu Nebiga (s.c.w.) ku sheegay inaanay bannaaneyn in laba qof oo Muslim ah saddex maalmood wax ka badan dudmo ku kala maqnaadaan, waxaana kheyr roon labadooda midka salaanta ku hor billaaba kan kale.
Sida runta ah kaasaa geesisan oo ka dadnimo roon, maxaa yeelay, waa nin naftiisa uur—xumadu ka buuxday ka adkaaday oo ka gudbay derbigii sharka ahaa ee sheydaanku ku kala ooday labada qof ee walaalaha ah.

  1. Inaan qaarkiin qaarka kale ka kor iibsan badeecadda. Tusaale ahaan, wuxuu u imaanayaa laba qof oo wax kala iibsanaya, markaasuu mid u il—jibinayaa ama hoos kala hadlayaa, isagoo le, anigaa intaa ka badan kaaga iibsanaya, ama anigaa intaa in ka jaban kugu siinaaya iwm;
  2. Arrinka lixaad waa dulmiga, umana bannaana qof muslim ah in uu kula kaco gardarro iyo dulmi walaalkii;
  3. Muslimku ma hoojiyo walaalki markuu arko isagoo ciriiri ku jira waa in uu gacan ku siiyo siduu uga bixi lahaa, ma aha in uu ku ceebeeyo ama ku wiirsado. Marka hadduu la kulmo qof Muslim ah oo cadow gacanta ugu jira waa in uu ka furto,haddii awooddiisu gaarsiiso nooc kastaba ha noqdee cadowgaas; Cadow gaal ah, cadow gaaja ah, cadow jirro ah, cadow jahli ah, cadow deyn ah iwm.
  4. Arrinka siddeedaad waa inaanu beeneyn. Qofka muslimka ah uma bannaana in uu ku dhaho qofka kale been baad sheegeysaa ama beenaale ayaad tahay, maxaa yeelay, qofka aad sidaa ula hadashid waa coloobeysaan, taasina waa wax islaamku la dagaallamayo marka ma bannaana ficil dadka muslimiinta ah cadaawo dhex dhigaya;
  5. Arrinka sagaalaad waa is—quursiga ama is- yasidda. Qofna uma bannaana in uu walaalkii
    quursado, maxaa yeelay, qofkaad quursatid waa qof aad iska sarreysiisid, waxaana laga yaabaa inaad ka xoolo roon tahay ama aad ka aqoon badan tahay, laakiin, ogow llaahii ku siiyey adiga waxaan walaalkaa haysan,. waa yeeli karaa in uu isku kiin beddelo, ama wax ka khayr roon waxa aad ku faaneyso in isagana la siiyo. Marka is—quursigu waa jirrooyinka ugu daran ee dadka isku dira, sababtoo ah haddii qofku dareemo inaad iska sarreysiinayso, wuxuu kuu qaadayaa cadawnimo, waxaanu ku dadaalayaa siduu kuu boqno goyn lahaa. Waxaa lagu caddeeyey xadiiskan haddii qofku aanu dembi kale lahayn oon quursiga dadka ahayn waa ugu filan yahay ciqaab.
    Wuxuu Nebiga (s.c.w.), amray in ay dadku noqdaan addoomo llaahay oo walaalo ah. Wuxuu Nebigu tilmaamay in arrimaha laga xaaraantinimeeyey muslimka ay qalbiga madoobeeyaan marka waa in qalbiga laga saafi yeelo arrimahaas foosha xun.
    Wuxuu yiri Nebiga (s.c.w.), Taqwado waa halkaan, isagoo saddex jeer farta ku fiiqay laabtiisa, marka saldhigga laga dhowrayo fulinta sharciga waa qalbiga, horayna waxaa innagu soo maray in haddii qalbigu hagaago jirka intiisa kalena hagaageyso.
    Ugu dambeystii waxaa laga xaaraantinimeeyey qof kasta oo muslim ah in uu daadiyo dhiig muslim ama dhaco xoolo muslim ama ku xad—gudbo sharafta qofka muslimka ah iyo xiladiisa.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Wuxuu reebay wax allaale wixii kala geynaya ama isku diraya xubnaha bulshada;
2. Wuxuu reebay in laysku falliso badeecadda, iyadoo loogu danaynayo qof kale;
3. Waxaa la xaaraantinimeeyey kala jeedsiga iyo isu dhabar jeedinta;
4. Waxaa la reebay in badeecadda la iska hor iibsado;
5. Waxaa la reebay dulmiga dhammaantiis;
6. Waxaa ta reebay is—hoojinta marka qofku ciriiriga ku jiro;
7. Ma bannaan in lagu yiraahdo qof muslim ah been baad sheegtay;
8. Waxaa la reebay carada;
9. Waxaa la reebay is—quurisga;
10. Waxaa la xaaraantinimeeyey daadinta dhiigga qofka muslimka ama ku xad gudubka xoolihiisa, iyo xiladiisa;
11. Wuxuu amray nebigu (SCW) muslimiinta in walaalo isu noqdaan oo leys xaq dhowro.
12. Sida Islaamka ugu dadaalaayo daryelidda iyo iskaashiga bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *