Barbaarinta San iyo Rabaynta Suubban ee Ubadka

Laga soo billaabo markii Alla uu doonay uumista aadamaha ee uu abuuray aabbeheen Aadam isagoo ka abuuray carrada, hooyadeen Xawaana ka abuuray fadhisii si uu ugu dego una dugsado, intaa ka gadaal Alla waxa uu ka abuuray labadoodii ubad rag iyo dumarba leh ubadkaana ka yeelay kuwa arlada fac ka fac isaga danbeeya, fac kastoo soo koraya waxay xaq u leeyihiin inay helaan koriimo wanaagsan, koboc fiican, barbaarin san iyo rabaayad suuban, xuquuqdaasoo ay yeelanayaan ka hor dadab galka hooyadood ilaa maalintay dab ka baydhaan ee dunida lagu sagootinayo.

  1. Waa Maxay Ubadku?

Waydiintaa warcelinteedu waa qodobo dhawra oo ay ka mid yihiin:

1.1 Ubadku Waa Hibo

Ubadku wa hibo Alla Wayne bixiyo uuna u hadiyeeyo hadba cidduu doono addoomihiisa isagoo aan isku si u siin aadamaha ubadka, hase ahaate habab kala kaana u kala siiya, qaarkood Alla waa u roonaadaa oo waxa uu isugu daraa labada nooc ee adamaha rag iyo dumar.

Qaar kale Alla waxa uu siiya lab (rag) kaliya halka qaar kalena uu siiyo dheddig (gabdho) kaliya halka qaar kalena uu ka dhigo madhalays wax ubadna aanu siin, sidaas oo ay keensatay xog-ogaalnimadiisa addoomaha iyo xikmaddiisa xeesha dheer.

Sida uu ku sheegay aayada Qur’aanka ah ee Suuratu Shuuraa aayadaha 49aad illaa 50aad.

1.2 Ubadku Waa Qurux

Ubadku waa quruxda iyo dhaldhalaalka soo jiita dhaayaha inta lagu sugan yahay adduunyadan aadkeedaba iska yar. Joogistaanka ubadku ay jeegan giriga waxay ka dhigan yihiin sida ubaxa beerta iyadoo waalidka dhalayna ay indhuhu ugu doogsadaan milicsigooda qalbiguna uu ugu bogo aragtidooda iyo maqalka hadalkooda naftuna ay si diiran ugu naalooto.

Allaha xuma ka hufnaa e wuxuu Qur’aanka ku yiri:

“Xoolaha iyo ubadkabu waa quruxda nolosha dhaw (dunida).” Suuradda Kahfi 46.

1.3 Ubadku Waa Bishaaro

Ubadka waa bishaaro Alla Sarreeye uu ugu bushaaraynayo kolba kii uu addoomihiisa siiyo.

Dhammaan ubadku markay dhashaan aad baa loogu rayrayaa dhammaan qoyska uu ku soo kordhay iyo gabi ahaanba xigaalada ilmaha waxase wax lala dhigaa jirin labada waalid ee dhalay oo iyagu si aan la qiyaasi karin ugu diirsada uguna rayraya iyadoo ay ka sii xag jirto hooyada uu beerkeeda ka so ga’ay oo si aan xad lahayn ugu muusoota maankeeduna ugu dego iyadoo isla markaana ku ilawda aragtidiisa iyo jabaqda codkiisa dhammaan waxay soo martay ee siditaankiisa iyo waliba umuliddiisa.

Alla xuma ka hufnaa ayaa aayaad dhawra inoogu caddeeyay inay ubadku yihiin bishaaro waxana ka mida:

Bushaarooyinkii Nabi Zakariye iyo Maryam

Nabi Sakariye  markuu Allaah si kal iyo laab uga tuugay inuu siiyo ubad san aanuna ka dhigin madhalays Allaahna ducadii wuu ka aqbalay isagoo ay malaa’igtu u dhawaaqday jeer uu tukanaayay iyaga oo u sheegay in Allaah Sarreeye uu ugu bishaaraynaayo dhalashada Yaxye .

Sida ay sheegtay Suuradda Aala Cimraan 39.

Sidaa si lamida Alla waxa uu ubad ugu bushareeyay Maryam , wuxuu Allaah yiri:

“Xus jeer ay malaa’igtu tiri Maryaneey waxa uu Alla kugu bushaaraynayaa kelmad (odhaah) xaggii ka ahaatay magiciisuna yahay al-Masiix (kan dhul marka badan) Ciise oo ina Maryam ah…” Aala Cimraan 45.

1.4 Ubadku Waa Dardaaran

“Alla waxa uu idin dardaarmayaa ubadkiinna.” An-Nisaa’ 11.

Alla Sarreeye inaguma hallayn ubadka hase ahaate waxa uu inoo dardaarmay arrinka ubadkeenna waayo Alla Sarreeye isagaa uga raxmad iyo tudhid badan hooyada ubadka beerkeeda kasoo go’ay.

1.5 Ubadku Waa Amaano

Ubadku waa amaano adag iyo masuuliyad wayn oo si gaara u saraan labada waalid ee uu Alla ka dhex uumay iyadoo loo baahanyahay inay sida ugu habboon u gutaan amaanadaa Alla ku amaanaystay iyadoo qofkii sida ugu wacan uga soo baxa uu mutaysanayo abaal marin aaya leh, kii ku gabood falaana uu jeer danbe la kulmi doona cidhib danbeed xumida wixii uu falay.

Alla waxa uu aayad Qur’aan ah ku yiri:

“Duulka Allaah rumeeyayoow ka jira nafihiinna iyo dadkiina naar.” Taxriim 6.

Haddaba waxa ila gudboon inaynu gunta dhiisha iskaga dhigno sidaynu nafteenna iyo inta aynu ka diir naxayno uga badbaadin lahayn ba’a iyo baaba’a naartaa aanu Allaah inoo qarine inoo qayaxay dadkaasoo ay ugu muhiimsan yihiin ubadka beerkeena ka soo go’ay.

  1. Waa Maxay Ahmiyadda ay Leedahay Rabaynta Ubadku?

Barbaarinta iyo rabaynta ubadka yaryar iyo jiilka soo koraya waa arrin muhiimaddiisu wayn tahay diinteenaa suubanina ay meekhaam sare saartay waxana labo isku maan dhaafsanayn in ay ubadka maantu yihiin midhihii barito la goosan lahaa ayna yihiin raaca maanta jooga raaci badali lahaa ayna habboon tahay in la hagaajiyo koriimadooda, ababintoooda iyo barbaarintooda.

  1. Waa Maxay Rabaynta Ubadka?

Waa ubadka oo loo diyaariyo diyaarin dhammaystiran dhammaan dhinacyada noloshiisa diyaarin waafaqsan diinteenna suubban ee Islaamka si uu u badbaado una badhaadho maalmaha aadkoodaba iska kooban ee uu adduunka joogo isla mar ahaantaana uu ugu badhaadho uguna liibaano noloshiisa dhabta ah ee danbaysa.

  1. Dhinacyada Rabaynta Ubadka

Barbaarinta ilmaha Muslimka ah kuma koobna oo kaliya koriimada jidhkiisa hase ahaatee waxa habboon in barbaarintiisa laga abaaro dhinacyo dhawra oo ay ugu muhiimsan tahay barbaarinta ama rabaynta dhanka:

4.1 Iimaanka.

4.2 Dabci fiicnaanta iyo dhaqanka wanaagga.

4.3 Koriinka jidhka.

4.4 Kobcinta garaadka iyo koriinka maanka.

4.5 Nafsada.

4.6 La noolanshaha bulshada.

iyo dhinacyo kale oo tira badan.

  1. Yaa Rabaynaya Ubadka?

Dabcan barbaarinta ubadku kuma koobna oo qudha labada waalid ee dhalay hase ahaato waxa loo baahan yahay barbaarinta iyo rabaynta ubadka inay iska kaashadaan dhinacyo badan oo bulshada ka mida sida qoyska, xigaalada, deriska, goobaha wax barasho, masaajiddada iyo warbaahinta oo door muhiima ku leh barbaarinta ubadka dhanka barnaamijyada iyo hadba wixii ay baahinayaan.

  1. Sidee Loo Rabeeyaa Ubadka?

Waxa jira habab kala kaan ah amase wadooyin kala geddisan oo loo mari karo barbaarinta iyo tarbiyada ubadka hababkaasoo aynu ka xusayno qodobadaan:

6.1 Hagaagga Aabbaha

Hagaagsanaanta aabbuhu waxay door muhiima ka qaadataa toosnaanta, tarbiyad wanaagga iyo barbaarin samida ilmaha.

Aabbuhu markuu wanaagsan yahay waxa uu dhalaa oo dunida iyo bulshooyinka Muslimiinta ah ku soo kordhiyaa ubad fiican oo fiyaw isla markaana wanaagsan oo tarbiyad san kolkaasna ay bulshadu mahadiso.

Suubbanaanta aabbuhu inay saamayn wayn ku leedahay samaha ilmaha ubadku waxay u aayaan falalkii suubbanaa ee uu aabbohood samayn jiray waxaynu cadayn uga helaynaa Qur’aanka kariimka ah sida qisadii Nabi Muuse  iyo Khadar dhex martay, waxa uu Allaah inoogu sheegay qisadaa dhexdeeda inay u yimaaden Muuse  iyo Khadar dad tuula deggan iyagoo ka duraantay inay sooryeeyaan hase ahaatee aanay wax soorya ah ka helin dadkii degganaa tuuladaas, markay socdeen waxay soo mareen derbi sii dumaya kolkaa uu Khadar toosiyay darbigii Muusena  uu la yaabay oo uu ku yiri waxaad yeelan lahayd mushqaayad toosinta derbiga awgeed. Markii uu Khadar u tibaaxayay Muuse  waxa uu u sheegay inay derbiga lahaayeen laba ilme oo da’a yar ah islamarkaana agoon ah gidaarka hoostiisana uu ugu duugnaa kayd xoolo ah, aabbohoodna uu ahaa nin wanaagsan.

Dulucda qisada waa labada ilme ee da’ yarta ah ee uu Khadar u toosiyay gidaarka kaydkii ku duugnaana uu u badbaadiyay sababtu ay ahayd aabbohood inuu wanaagsanaa wanaaggiisiina ay u aayeen oo mahadiyeen dhimashadiisii ka dib.

6.2 Hooyada Fiican

Dhammaan haweenku kuma wada habboona inay oori roon noqdaan oo ay ubad hagaagsan dhalaan halka kuwa kalena ay mudan yihiin inay oori noqdaan isla mar ahaantaa rabayn kara oo soo saari ubad loo aayo.

Iyadoo ay sidaa tahay waxa lagama maarmaana in loo doono hooyo ku habboon inay hooya noqoto isla mar ahaantaana soo saari karta ubad tayo, tarbiyad toosan leh.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “ilmahaagu maalin buu hiil kaaga baahan yahay waana maalinta aad hooyadii doonayso.” Waa hawraar hagaagsan kuna tusaysa hiilka dheer ee uu ilmahaagu kaaga baahan yahay ilaa barbilawga raadinta hooyadii iyo seesida raaska guriga uu ku barbaari doono.

Diinteena suubban ee Islaamku waxay ragga ku boorrisay inay doortaan hablaha kuwooda wanaagsan diin ahaan iyo dhaqan ahaanba.

Isla mar ahaantaana waxay u bahala galisay u geed fadhiisiga dumarka kuwooda ka dayacan dhanka diinta iyo dhaqankaba.

Taas waxa looga goleeyahay in ubadku helaan hooya fiican oo awood iyo karti dheeri ah u leh dhisitaanka ubadkeeda dhan walba oo noloshooda kamida sida ugu habboon.

Tilmaamaha Hooyada Wanaagsan

Alla waxa uu ku yiri aayad Qur’aana isagoo la hadlaya afooyinkii Nabi Muxamed amaanta Alle iyo badbaadadiisu korkiisa ha ahaatee: “Waxa uu Rabbi mudan yahay – hadduu Nabigu idin furo – inuu ugu beddelo afooyin kuwaasoo ka wanaag badan idinka kuwasoo ah kuwa Alla u hoggaansamay, rumeeyay, addeecsan, toobad keeno ah, Alla caabuda, xumaha ka taga kuwaasoo carmal ama cadrada ah.”

Haddaba waxa ku jira aayadda tilmaamo dhawr ah oo ay leeyihiin aafooyinka wanaagsan iyo hooyooyinka sareeya waxana ka mida.

  • Kuwa Alla u hoggaansamay falalka muuqda.
  • Kuwa Allaah iyo dhammaan waxii laga doonay inay rumayaan oo leh rusul, malaa’ig, kutub, qiyaame, qadar.
  • Waa kuwa Allaah adeecsan oo u dhega nugul amarradiisan degdeg u qaata.
  • Kuwa toobad keeno ah oo Allaah xaggiisa u soo noqda mar walba.
  • Kuwa Alla adooma u ah oo cibaadadiisa qirsan kana soo bax.
  • Kuwa xumaha ka dheer oo ka taga wixii uu Alla u diiday.

Suubbanaheeni Nabi Muxammad ﷺ  wuxuu sheegay in dumarku loo guursado afar midkood: dhaqaale, dhaban, dhalad wanaag, iyo diin wanaag. Nabigu Rabbi ha amaano hana badbaadiyee wuxuu carrabka ku sii adkeeyay tan diinta wanaagsan leh isagoo raggana guurdoonka ahna kula taliyay inaanay u dayma la’aan gabadha diinta leh.

Gabadha diinta leh waxay garanaysaa xaquuqda Alle, xaquuqda saygeeda, xaquuqda ubadkeeda, waxayna karti u leedahay inaanay cidna xaqeeda ka beel darayn ee ay u gudo sida ugu habboon.

Waxa kaloo ka mida sifada afada fiican iyo hooyada wanaagsan inay tahay mid saygeeda adeecda isla markaana is jeclaysiisa.

Mid ilaalisa sharafta saygeeda dhawrtana xoolihiisa xanaanaysa ubadkiisa isla markaana ku kaalmaysa saygeeda daacada Alle.

6.3 Alla Tuug (Duco)

Waxa ubadka lagu rabayn karaa duco Alla wayne looga tuugo inuu ka yeelo ubad hagaagsan adduun iyo aakhiro intaanay dhalan iyo markay dhashaanba, taasi waa tubta dadka wanaagsanee nabiyadii iyo intii wanaagga ku raacdayba.

Waxa Alle ubadkiisa u baryaya nabiyo badan oo Alla ka aqbalay baryadoodii kuna amaanay waxna ka mid ah ducooyinkaa:

Ducadii Nabi Ibraahiim

“Rabbow ka dhig beladkan beled aamin ah, nagana dheeray aniga iyo ubadkayga inaanu sanamyada caabudno.” Suuradda Ibraahiim 35.

Waxa uu Nabi Ibraahim Alla ka tuugay laba arrin oo kala ah:

  • Inuu dhulka ay ku noolyihiin uga dhigo aamin ay ugu suurta gasho inay ku gutaan cibaadaadkooda iyo dhammaan waxay u baahan yihiin inta noloshooda ah.
  • Kan labaada Alla waxa uu ka tuugay inuu ka dheereeyo sanamyada la caabudo Alla sokadii isla markaana aanu ka yeelin kuwa madoxooda hoos dhiga oo u sujuuda dhagax, lo’o, qorraxda, dayax, dhoobo, qof, iyo dhammaan wixii aan cibaado mutaysan.

Mar kale waxa uu Alla ka baryay:

“Rabbow iga yeel mid salaadda ooga ubadkaygana ka yeel kuwa salaadda ooga Rabigayoow ducada naga aqbal.” Suuradda Ibraahiim 40.

Markana waxa uu Alla Wayne ka tuugayaa inuu ka yeelo mid salaadda ooga oo Allaah is hortaaga dartii u rukuuca, u sujuuda isaga qudha maahee ubadkiisana uu iyagana sidaasoo kale ka yeelo.

Waxa inooga cad ayaadkaa inuu Nabi Ibraahiim Alla naftiisa haageeda iyo hagaagga ubadkiisa isagoo carab baabay cibaada kaliyaynta (tawxiid) iyo salaadda.

Ducadii Nabi Zakariye

Nabi Zakariye markuu in badan ubad dhali waayay ayuu Alla Wayne si kal iyo laaba ugu dhawaaqay baryo waxana ducooyinkiisii ka mid ahaa:

“Rabbow kalinimo ha iigaga tegin ee ubad isii.” Suuradda Anbiyaa 89.

Mar kale:

“Rabbow ii hibee agtaada ubad wanaagsan adigaa baryada aqbalee.” Aala Cimraan 38.

Labadan aayadood iyo kuwa kaleba Alla waxa uu inoo sheegay inuu Nabi Zakariye Alla baryay oo uu ka baryay ubad haddaba Nabi Zakariye ubadka uu Alla ka tuugay waa kuwa wanaagsan si walba.

Haddaba marka aynu doonayno inaynu helo ubad wanaagsan waa inay Alla wayne gacmaha hoos dhiganaa oo ka tuugnaa ubad wanaagsan wuu inasiine.

6.4 Dedaal Adag

Marka ay inaga go’an tahay barbaarinta ubadka iyo rabayntoodu waxa inala gudboon inaynu dedaal dheer dhexda u xidho sidaynu uga midha dhalin lahayn barbaarin samida iyo rabaaya wanaagsan ubadka.

Dhammaan dadkii wanaagsanaa waxay ahaayeen kuwa kula dedaala ubadkooda wanaagsan iyo had iyo jeer fari jiray ficilada khayrka kula dardaarmi jiray dabeecad wanaagga sida ay ugu la dedaali jireen koriimada jidhooda kobcinta garaadkooda iyo kaalmaynta wax barashadooda.

Iyagoo aan marna u oggolayn jirin ubadkoodu kana diir nixi jiray inay qaldamaanoo qaloocdaan.

Nabi Nuux waxa uu in badan la dedaalay inankiisii isagoo kor iyo kalba u waaniyay wax walboo aayihiisana u sheegay isagoo aan waxba ka hagran talo, toosin iyo tusaalayn isagoo u tibaaxaya kalgacalka baaxada wayn ee uu laabta ugu hayo – ilaa uu soo dhawaaday halaaggii ku habsan lahaa isla markaana gumaadi lahaa cidii ka madax adaygtay raacidda tubta toosan halgaasoo ahaa biyo lagu maasheeyo Nabi Nuux iyo inta raacdayna ay kaga badbaadi doonan dooni.

Wakhtigaa Nabi Nuux uu si naxariiseed iyo hadal debdecsan ugu yiri kuraygiisii isagoo ka durugsanaa jeer ay koreen dooni hirarka biyaha dhex qulqulaysa: “Inankaygoow nasoo raac hana noqon la jirka kuwa gaaloobay.”

Hase ahaatee kuraygii waxa uu ugu war celiyay aabihii, “Waxan korayaa buur iyadoo iga badbaadin doonta biyaha.”

Warkaasi muu noqon mid Nabi Nuux ku farxay sidaase kaga muu hadhin ee wuxu ku yiri moogana, “Kuraygaygiiyow ma jiraan maanta wax ka badbaadaya amarka Alle cid Alla u naxariistay maahaane waxana kala teeday hirarka badda wuxuuna ka mid noqday kuwa la hafiyay.” Suuradda Huud (42aad illaa 43aad.

Nabi Nuux kumuu guulaysan badbaadinta inankiisa waayo isagu badbaada gacanta kumuu hayn hase ahaatee kamuu gaabin barbaarinta inankiisa oo wuxuu falay wax kastoo karaankiisa ah.

Waxaynu ka qaadanaynaa inuu waalidku la dedaalo ilmaha una huro naf iyo nacfi kasta hagaajinta ubadkiisa si ay u badbaadan adduun iyo aakhiroba.

  1. Maxaa Lagu Rabaynayaa Ubadka?

Rabaayada ugu muhiimsan ee ubadka waa in ubadka iyo Allaah laysku xidho.

Sida laysugu xidhayaana waxa lagula dedaalayaa cibaadaatka wanaagsan.

Sida:

7.1 Kaliyaynta Alle (Tawxiidka)

Kaliyaynta Alle kelmeda Alla xaq lagu caabudaa ma jiro Allaah mooyee, oo looga gol leeyahay inuu Allaah yahay Allaha dhabta ah ee kaligii cibaadada mutaysta uumista iyo abuurkana iska leh magacyada fiican iyo tilmaamaha sarsarena leh.

Waa ujeedka uumista aadamaha.

Waa ujeedka nabiyada laysaga daba keenay.

Waa ujeedka kitaabada samada looga soo rogay.

Waa tiirka koowaad ee tiirarka islaamka.

Keliyayntu (tawxiidku) waxa uu Islaamka kaga jiraa halka uu maduxu jidhka kaga jiro.

Ma soo koobi karno muhiimadda keliyaynta (tawxiidka).

Nabiyada iyo dadkii wanaagsanaa waxay ubadkooda ka dhaadhicin jireen waxa loo abuuray inay tahay “kaliyaynta Alle” oo kaliya Alla Waynena aanu ka doonin kelmedaa ma ahan Alla xaq lagu caabudaa ma jiro Allaah mooyee.

Marka ay dhashaan way ku ababin jireen marka ay gaboobaana way kula dardaarmi jireen.

Tusaalaha Koowaad:

Nabiyadaa ubadkooda kaliyaynta kula dardaarmay xad ka mid ahaa Nabi Yacquub isagoo la dardaarmay ubadkiisa markii ay isku arkay calaamadihii geerida uuna garwaaqsaday inu wakhtigii koobnaa ee dunidan gaaban uu gabaabsi yahay wuxuu yiri: “Maxaad caabudi doontaan gadaashay? Waxay dheheen waxan caabudaynaa Allaha aad adigu caabudo Allaha ay caabudi jireen aabbayaashaa Ibraahiim, Ismaaciil iyo Isxaaq Allahaasoo ah Allaah kaliya anaguna waxaanu nahay kuwa Alla u hoggaansan.” Suuradda Baqara 133.

Waxa ay aayaddani inoo caddaynaysaa waydiinta wanaagsan ee uu Nabi Yacquub ku wajahay ubadkiisa maxaad caabudaysaa?

Ninay meeli u caddahay meeli ka madaw Nabi Yacquub muu oran maxaad cuni doontaan? Maxaad cabbi doontaan? Maxaad dhaqan doontaan?

Xaashaa! Hammigiisu wuxuu ahaa u kuur galka xidhiidh ka dhexeeya ubadkiisa iyo Alla Wayne, siduu rabayna way noqotay.

Tusaalaha Labaad:

Marka laga yimaado nabiyada kula dardaaranka ubadka ka dhaadhicinta kaliyaynta Alle (alla xaq lagu caabudaa ma jiro Allaah mooyee).

Tabtaa waxa ahaa oo tubtaa toosan raacay Luqmaan al-Xakiim isagoo kula kur uu dhalay dardaarano dhawra oo aad u mug iyo miisan wayn ayna ka buuxaan xikmado isagoo taabtay dhinacyo dhawra iyo qodobo tira badan waxase ugu foolaadsanaa qodobadaa qodobka uu kaga hadlay keliyaynta Alle (alla xaq lagu caabudaa ma jiro Allaah mooyee).

Hor iyo horaanba wuxuu hadal uga bilaabay:

“Kuraygaygiiyoow Allaah cidna wax ha la wadaajin maxaa yeelay wadaajintu waa godob wayn.” Suuradda Luqmaan 13.

Waxaa uu ku yiri inankaygoow Allaah cibaadadiisa cidna wax hawgu darin oo ha la wadaajin ee kaligii cibaadada u badhax tir macneheeduna waa ka dhabee alla xaq lagu caabudaa ma jiro Allaah mooyee.

7.2 Toosinta Salaadda

Qodobada ugu mugta iyo misaanka wayne ee ay waajibka tahay in ubadka lagu rabeeyo waa toosinta salaadda.

Salaaddu waa tiirka labaad ee Islaamka.

Waxay Islaamka kaga jirtaa halka laf dhabartu jidhka kaga jirto.

Waa hadiyadii Nabiga looga soo dhiibay toddobada samo korkooda habenkii la dheelmiyay.

Waa waxa ugu horreeya ee qofka laga xisaabinayo maalinka saacaddu istaagto.

Waa dardaarankii Nabigeenni suubbanaa.

Hadba waxa waajiba in ubadka lagu rabeeyo oogista salaadda sidii Rabbi inoo faray. Waayo salaaddu waa xadhiga Alle waxayna ilmaha iyo waalidkiiba ka reebaysaa xumaha iyadoo ku riixaysa samaha.

Nabiyo aad u tiro badan baa Alla amray inay ubadkooda salaadda kula dedaalaan oo faraan, isla mar ahaantaana ku amaanay kuna dhigay qodobada ugu foolaadsan taariikhdooda macaan ee uu Allaah Qur’aankiisa inoogu soo guuriyay waxaana ka mid ahaa nabiyada ubadkooda salaadda faray:

7.2.1 Nabi Muxamed Alla ha amaano hana nabad galiyee.

Waxa uu Allaah Sarreeye ku yiri nabigiisa isagoo amar siinaya:

“Far dadkaaga salaadda kuna dhabar adayg kuma waydiinayno masruuf anagaa ku masruufayna.” Suuradda Daahaa 132.

7.2.2 Nabi Ismaaciil

Waxaa uu Alla yiri isagoo ammaanaaya Nabi Ismaaciil:

“Waxa uu ahaa mid ehelkiisa fara salaadda iyo zakada waxaana uu ahaa mid xag Rabbigii laga raalli yahay.” Suuradda Maryam 55.

Labadaaa nabi waxa uu Alla midna farayaa midna ku ammaanayaa inay ahaayeen kuwa ubadkooda iyo dhammaan dadkooda kula dedaala salaadda inagoo soo maray kuwa Alla baryayey iyo kuwa salaadda kula dedaalayay.

7.2.3 Luqmaan al-Xakiim dardaarankii uu kuraygiisa siinayay waxa ka mid ahaa:

“Kuraygaygiiyoow salaadda oog.” Suuradda Luqmaan 17.

Dhammaan aayaadkaas iyo qisooyinkaa wacan ee nabiyada iyo dadkii wanaagsanaa waxaa ay si cad inoo tusayaan inaynu ubadka kula dedaalno inay xadhiga Allaah qabsadaan ayna qaayibaan qiimaha salaadda kuna qancaan is hortaagga Allaah.

Xilimaa La Farayaa Ubadka Salaadda?

Suubbaneheennii udgoonaa wuxuu dadka ku boorriyay inay ubadka salaadda amraan wuxuuna xadiis saxiix ah ku yiri:

“Fara ubadkiinna salaadda toddoba jir markay gaadhaan kuna karbaasha markuu toban jir gaadho.” Waxa soo wariyay Axmed, Abuu Daa’uud iyo Tarmadi, waxaana saxiixiyay Shiikh Albaani, Alla ha u wada naxariistee.

Hadba waxa uu xadiiska inoo iftiiminayaa xilliga da’ yarta looga bilaabayo farista salaadda oo ah qodobada ugu waawayn rabayntooda toddoba gu’ba markay madax ka jaraan ayaa la farayaa haddii ay ka madax adaygaan waa lagu edbinayaa ilaa intay ka toosnaanayaan oo salaadda oogayaan.

Waxa lagula dedaalayaa ubadka dhammaan cibaadaadka sida soonka oo ay saxaabadu Alla ha ka raali noqdee ay ahaayeen kuwa ubadkoda soomiya markay gaajoodaanna ciyaarsiiya.

  1. Maxaa Laga Dheefayaa Rabaynta Ubadka?

Markaynu ubadkeena hagaajinno oo daryeelno dhammaan dhinacyada noloshaada kana dayactirno dhammaan dhaqamada xun xun ee maanta aafeeyay ubadkeenna, dayacayna akhlaaqda in badan oo kamida u badan maanta, haddaba waxa jira waxyaalo badan oo la dheefayo hagaagga ubadka, dheefahaasoo ay ka mid yihiin mid ay bulshadu u aydo iyo mid ay iyagu mahadiyaan iyo mid waalidka dhalay ku diirsado, waxaana ka mida:

8.1 Rafiiqa Jannada

Alla wuxuu yiri:

“Duulka Alla rumeeyay ubadkooduna uu ku raacay rumaynta waanu haleeshiin ubadkooda.” Suuradda Duur: 21.

Allaha Sarreeye wuxuu inoo caddaynayaa inuu haleeshins doono duulka Alla kor iyo kalba u rumeeyey ubadkooda hadduu ku raaco wanaagga iyo rumaynta.

Haddii aabbuhu uu ku dadaalo wanaaggiisa iyo wanaagga ubadkiisa waa la haleeshin ubadkiisa maalinta danbe sidaasu Alla ballan qaaday wuuna oofin Allaah haddii laga soo boxo wanaagga.

8.2 Camal Kuu Socda Geeri Dabadeed

Nabi Muxammed wuxuu yiri:

“Inna Aadam markuu dhinto camalkiisu wuu go’ayaa saddex midkood ma ahane: deeq aan go’ayn, aqoon loo aayo iyo ilme Alla u tuuga.” Waxa soo wariyay Muslim.

Qofkii markuu adduunka sagootiyo dhammaan falalkii uu ku kici jiray way gabagaboobayaan marka laga reebo saddexdaas ma ahane, saddexdaa waxa kamida ilmahaaga oo aad hagaajiso oo Alle ku xidho oo isna markaad dhimato Alla kuu baryo baryadiisuna ay qabriga kugu soo gaadho. Waabase hadduu wanaagsan yahay oo Alla garanaayo adigana ku garanaayo ilaa mid xumi isagaanba is garanayn adiga aabbeba daayee.

8.3 Badbaado Naareed

Waxa uu yiri Nabi Muxammad Alla ha amaano hana badbaadiyee:

“Qofkii leh saddex gabdhood oo ku dhabar adayga oo quudiya, waraabiya, marya u xidha xoolihiisa waxay gashaan uga noqonayaan naarta maalinka qiyaamaha.” Muslim baa soo wariyay.

Haddaba qofkii Alla siiyo saddex gabdhood oo hagaajiya koriimadooda ka adkaada kabtooda, karintooda waxa uu Alla ugu abaal gudayaa inuu ka bad baadiyo maalinka qiyaamaha naarta. Haddaba waxaa habboon inaan ajar kaga raadinno korinta ubadka, barbaarintooda iyo rabayntooda.

Gabagabada qoraalkan waxa habboon in aan ubadka xil iska saarno Alla Waynena waxan waydiisanaynaa inuu ubadka inoo hagaajiyo kanana dhigo kuwa ay indheheennu ku qabawsadaan adduun iyo aakhiroba.

Aad baad u mahadsantihiin.

 

Waxaa qoray:
Cabdifataax Cawed Cali
Iimeyl: [email protected]
Taleefon: 00252 63 4215697

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *