Cutubka 1aad

Barbaarinta Ubadka
Mudnaanta Barbaarinta Ubadku Leedahay
Midhaha Barbaarinta Wanaagsan
Maxay Tahay Barbaarintu?
Baahida Loo Qabo Barbaarinta
Tiirarka Barbaarinta

Mudnaanta Ay Leedahay Barbaarinta Ubadka
Barbaarinta ubadku waa hawl dhib badan, una baahan dadaal iyo waqti badan in lagu bixiyo, waayo barbaarintu waa xil iyo masuuliyad la is waydiin doono aakharo, sidoo kale barbaarintu waa arrin ajir iyo xasanaad badan laguna gaarayo janno haddii Ilaahay dartii loo niyoodo, loogana soo dhalaalo sidii la rabay.
Dhinacyada barbaarinta een rabno inaan kaga hadalno qormadan waxaa kamida:
1. Dib inaan u milicsanno hannaankii Rasuulka (s.c.w) iyo asxaabtiisu ay u barbaarin jireen ubadkooda, sifo aan ugu dayanno innaguna, deetana ugu barbaarinno ubadkeena.
2. Xilliga aan ku jirno, markaan eegno waxaad dareemaysaa in ummadu marayso xilli inkaaran oo ubadkii ambaday, gacantana ka baxeen, taasina waxaa lagaga bixi karaa in la helo barbaarin wanaagsan gundhigeedu yahay diinta Islaamka.
3. Barbaarinta wanaagsan baa lagu gaari karaa wanaagga ubadka iyo baarinimadooda. Waayo tarbiyada fiicani waxay siinaysaa ilmaha dareen ay ku kala saaraan xumaha iyo samaha.
4. Barbaarintu waxay soo saaraysaa rag raga oo qaadi kara xilka loo dhiibo, una adkaysan kara dhibaatooyinka iyo hardanka lasoo darsaya noloshooda iyo aayahooda dambe, waxayna ka dhigaysaa ilmaha mid anfaca diintiisa, dadkiisa iyo dalkiisaba.
5. Barbaarinta ubadkeena waxaa sii siinaya mudnaanta koowaad xilliga lagu jiro iyo weerarka daran ee lagu soo qaadayo ubadkeena, loogana golleeyahay in lagu duufsado oo karkaarka lagu waydaariyo.
6. Barbaarinta wanaagsani waxay ka badbaadinaysaa ilamaha fahanka qollooca, fidnada iyo fikir kasta oo kasoo horjeeda diinta Islaamka.
7. Dhibaatooyin badan oo soo gaaray ummadeena, waxaa loo aanayn karaa barbaarin xumada ku habsatay ubadkeena. Midda lagaga bixi karaana waa barbaarinta iyo tarbiyada wacan ee diinteena oo dib loogu laabto.

Waxyaabo badan oon u haysanno mucjiso ayaa ah midho kamida midhaha barbaarinta wanaagsan
Barbaarintu waa fan la barto, waa wax-soosaar iyo isku dubarid, waa qabanqaabin iyo diyaarin. Waxaan ognahay in marka lasoo jeedinayo barnaamuj, waxaa la qaadaa tallaabooyin dhawr ah, si loo diyaariyo barnaamujka, tallaabooyinkaas la marayo ayaa waxaa loo yaqaanaa diyaarin iyo soo-saarid, tusaale ahaan BBC-du marka ay soo jeedinayso wararkeeda waxay ku billawda barnaamujka waxaa soo saaray hebel anigoo hebel ahna waan idiin soo jeedinayaa.
Waxaas oo arar ah waxaan u golleeyahay, waa inaan iraahdo barbaarintu waa barnaamuj u baahan diyaarin, qabanqaabin, iskudubaridid, iyo soo-saarid. Haddaba haddii la helo tarbiyo iyo barbaarin ku taagan tiirarkan waxaa la soo saari karaa barnaamuj dhaliya midho macaan iyo barbaarin illaa heer sare gaaraysa.
Waxaan xasuustaa maalin maalmaha kamida inaan la soo istaagay dad meel ku uruursan, oo daawanaya wiil yar oo khudbadaynaya, markaan la yar daawaday, ayaan waydiiyey muxuu yahay ilmahani? Waxay ii sheegeen inuu yahay ilmo mucjiso ah, oo u dhashay wadanka Masaarida. Hoos ayaan u qoslay, waxaana ku idhi ninkii hadalka ii waday, “Walaal mucjiso ma aha, ee waa midho kamida midhaha barbaarinta, waa tababar iyo soo-saarid.” Igama yeelin, mana garwaaqsanine wuxuu ii sheegay inuusan i fahmin. Waan ka tagay maalmo kadib ayaan la kulmay sidoo kale odayaal hadal haya wiilkii yaraa kuna tilmaamaya mucjiso, markaan dhagaystay hadalkoodii ayaan ku idhi, “Faalo maka dhiiban karaa arrintan?” Waxay yiraahdeen, “Haa waad ka dhiiban kartaa.” Waxaan u sheegay xogtii aan ka ogaa oo ahayd in wiilkan yari la yiraahdo Muslim Saciid, una dhashay wadanka Masaarida, sidanna lagu soo gaadhsiiyey barbaarin iyo carbin, waxaan u sheegay in barnaamujkiisa soo-saaray sheekh la yiraahdo Maxammad Xassaan. Waana sida uuba qiranayo wiilka yari oo ku leeyahay gunaanadka khudbadiisa, “Waxaan u mahad celinayaa sheekhayga Maxammad Xassaan ee isoo barbaariyey.”
Markaan intaa marayo ayuu su’aal isoo dhexgaliyey mid kamida dadkii wuxuuna waydiiyey, “Siday ku dhacday ilmo intaa la eg inuu khudbadeeyo?” Waxaan ku idhi, “Sheekh waxani waa midhihii tarbiyada iyo barbaarinta, ilma walba oo hela barnaamujka barbaarinta ee uu helay kan yari waxaa shaki la’aan ah inuu noqon karo isagoo kale ama kaba sii fiicnaan karo, waxaa kaloo iyaduna meesha ku jirta, fahmada, oo dadku way kala fahmo badan yihiin, inkastoo fahmadaasi noqon karin wax korka laga qabto ee fahmadu way siyaabo badan tahay.”
Waxaan kaloo ka xusuustaa wixii aan ku idhi, “War caruurteena boodhka qasanaysa haddii ay helaan barbaarin si qumaati ah loo qabanqaabiyey, waxaa shaki la’aan ah inay noqonayaan kuwo lamid ah wiilkan aad moodaysaan mucjiso soo daahirtay.
Hadaba hadday saa tahay, wayba tahaye, waxaa loo baahan yahay in la helo barnaamujyo cilmiyeysan oo ku aadan barbaarinta ubadkeena, sida runta ahna, ma taagna barbaarinteenu heerkii la rabay, mana saxna in si looxjiida aan ku barbaarino ubaxeena, waa in la helo mashruuc wacyi galin ah, waa in la helo barnaamuj isku dheelitiran oo iskudubarida barbaarinta caruurteena iyo barbaarteena, kaasoo si isku mid ah uga ambaqaadaya guriga, iskuulka, masaajidka, iyo warbaahinta nooc walba oy tahay.

Xilka saaran waalidiinta
Waalidiinta waxaa saaran xil iyo mas’uuliyad aan fududayn, oo Ilaahay kala xisaabtami doono, waxaa saaran mas’uuliyada barbaarinta ubadka ay dhaleen, waxaa laga doonayaa inay ka adkaadaan korintooda iyo barbaarintooda, waxaa laga doonayaa aabaha iyo hooyadaba inay ku ababiyaan ubadkooda aadaabta Islaamka, una kala sheegaan waxa san iyo waxa xun, waayo, haddii ay qolloocdaan ubadku adeb la’aan iyo barbarian xumo heshay darteed, waxaa dambigaas tunka saaranaya waalidiintii hagraday kuna tagrifalay barbaarintoodii. Sidaa awgeed ayaa Ilaahay farayaa dadka mu’miniinta ah inay ka ilaaliyaan naftooda iyo eheladoodaba naarta, wuxuu yiri Ilaahay (subxaanahuu watacaalaa):

66:6

[Kuwa xaqqa rumeeyow, ka dhawra naftiina iyo ehelkiina naar lagu shido dad iyo dhagax ay kana (shaqeeyaan) malaa’ig adag oo daran oon Eebbe ku caasiyeyn wuxuu faro, falana wixii la amro.]
Taxriim 6

Maxay tahay kaalinta waalidiintu ay ku leeyihiin ilmahooda?
Sida diinteenu noo caddaynayso, ilma waliba oo dhashaa wuxuu ku dhashaa Islaamnimo, laakiin Islaamnimadiisa waa mid duruufuhu badali karaan, duruufaha badalayana waxaa ugu horeeya waalidiinta dhalay ilmahaas, hadday yihiin Islaam, way badbaadinayaan Islaamnimadii ilmuhu kusoo dhashay. Haddiise ay waalidiintu yihiin gaalo seeggan xaqa, waxay markaas ugu badalayaan Islaamnimadii toodii ay aaminsanaayeen.
Wuxuu Rasuulku (s.c.w) yiri:

كل مولود يولد على الفطرة، فأبواه يهودانه، أو ينصرانه، أو يمجسانه.) متفق عليه).

[Ilma walba oo dhashaa wuxuu ku dhashaa Islaamnimo, laakiin labadiisa waalid ayaa yahuudeeya, ama kiristaamiya, amaba ka dhiga cawaan dab-caabud ah.]
Rasuulka (s.c.w) wuxuu noogu sheegayaa xadiiskan in ilma kasta marka uu dhalanayo ku dhasho Islaamnimo isagoo aaminsan Ilaahay kaligii in uu abuuray isaga iyo uunka oo dhan, laakiinse gaalnimadu kaga timaado xagga waalidiintiisa oo ku shuba waxa ay aaminsan yihiin, hadday Yahuud yihiin waxay ka dhigayaan ilmahaas Yahuudi, haddii ay yihiin Kiristaan waxay ka dhigayaan Kiristaan, hadday yihiin Dab-caabudna waxay kadhigayaan, Dab-caabude, haddaba maxay tahay kaalinta waalidiinta Muslimka ihi ku leeyihiin ilmahooda, haddii ilmihiiba yahay marka dhalanayo Muslin? Waalidiinta muslimka ihi waxay leeyihiin kaalin culus oo ah inay ilaaliyaan Islaamnimadaa ilmahoodu kusoo dhasheen, waa inay ka ilaaliyaan doorsoon ku yimaada fidradaa iyo Islaamnimadaa ay ku dhasheen, waa in la siiyaa ilmaha tarbiyo Islaami ah oo dhidibada u aasta daacadnimada ay la soo dhasheen. Arintaasina waa waajib saaran waalidiinta lagalana xisaabtami doono Ilaahay hortiis markii la tago.

Maxay Tahay Barbaarintu?
Barbaarintu waa badalaad toos ah oo lagu sameeyo dhaqanka ruuxa la barbaarinaya. Waxaan ognahay isbaddal kasta oo ku yimaada dhaqanka qofka, inuu gundhig u ahaa barbaarin soo martay qofkaas, ha dareensanaado amase yuusan dareensanaanine, sidaa awgeed barbaarintu ma aha wax hal mar qofka badala ee waa hawl socota waqti dheer, kadibna istarta markay muddo socoto, iyadoo dhaxalsiinaysa qofkaas dhaqan iyo caadooyin la cimriya inta uu nool yahay.

Baahida loo qabo barbaarinta
Baahida loo qabo barbaarinta iyo isbadalka wanaagsan waa mid aad u baaxad wayn, haddii baahidaasna la dabooli kari waayo waxaa shaki la’aan ah in bulshadu gabi ahaanba ay ku hoobanayso god madow oon lahayn ilayska iyo nuxurka diinta Islaamku u sidday aadanaha, maxaa yeelay diinta Islaamku waa farriin loogu tala galay in la isku barbaariyo, la isku carbiyo, la isku baddalo si loogu guulaysto itaxaanka adduun ee aadanaha Rabbi (s.w) u dhigay aduunka. Haddii marka la waayo barbaarin wanaagsan oo aadanaha u horseeda dadaal iyo suubanaan ay kaga gudbaan itaxaanka adduun uguna gudbaan aakharo iyagoo haysta dhibicyo badan oy ku galaan jannada oo Rasuulku (S.C.W.) tilmaamay inay tahay badeecadii Ilaahay oo qaali ah, waxaa dhacaya haddii intaas la waayo khasaaro aan laga soo waaqsan doonin aakharo iyo aduunba.
Sidaa la ajligeed, ayaa loo baahan yahay in la helo barbaarin iyo tarbiyad wanaagsan, waxaana laga rabaa ruux kasta oo Muslin ah inuu ugu horaantii ku dadaalo sidii uu ku barbaarin lahaa naftiisa, kadibna ku barbaarin lahaa qayrkiis, waayo ninkii tiisa daryeela ayaa tu kale daryeeli kara.
Taasina waa midda looga fadhiyo waalid walba inuu marka hore naftiisa hagaajiyo si uu ugu qalmo barbaarinta ubadkiisa

Tiirarka Barbaarinta
Sidaan soo sheegnay barbaarintu waa xil wayn oo ku taagan tiirar shan ah, markii la helo tiirarkaas shanta ah ayaa la helayaa barbaarin wanaagsan oo wax ku ool ah.
1. Barbaariye: waa in la helaa barbaariye ku tilmaaman astaamahan hoos ku xusan:
– is-habayn: waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa tiisa daryeelaa tu kale daryeela, oo ka dhigan qofka isagu wax noqda amaba ishabeeya ayaa dadkana wax u tari kara waxna anfici kara, hadaba si loo helo ubad barbaarin wanaagsan leh, waxaa laga rabaa barbaariyaha inuu yahay qof u qalma inuu wax barbaarin karo, waa inuu ahaadaa qof isagu naf-ahaantiisu ku tilmaaman tilmaamaha la doonayo in lagu barbaariyo barbaarta, waa inuu yahay qof noqon kara tusaale ay ka dheehan karaan ubadku dhaqan iyo dabeecad wanaagsan.
– ku dayasho: ku dayasho wanaagsan: ilmuhu wuxuu indhaha ku furaa waalidiintiis, iyaga ayuu ka shidaal qaataa, agtiisa waxa sani waa waxa agtooda ka san, waxa xumina waa waxa agtooda ka xun, hadaba waalidow waxaa lagaa rabaa inaad u noqotid ilmahaaga tusaale wacan oy ku daydaan, sidoo kale macalimiintu waa inay u noqdaan ardayda tusaale ay ku dayan karaan.

Boragaraamayn iyo laylin
Hawsha ugu mudnaanta badan ee uu qabanayo barbaariyuhu waa hawsha ay ku tibaaxeen culumada barbaarintu ‘boragaraamayn’ oo ka dhigan in barbaariyuhu uu ku barogaraameeyo ubadka uu barbaarinayo wax kasta oo la doonayo inay ku ababaan. Ereyga boragaamayntu ma aha eray la iska soo qaatay ee waa erey sita macno xeeldheer oo xambaarsan tusaalayaal la fahmi karo, sida muuqata waxaa laga soo qaatay eraygan cilmiga kombiyuutarka, hadaba sida kombiyuutarka loogu shubo boragaraamada la rabo in la adeegsado ayaa waxaa looga fadhiyaa barbaariyahana inuu ku shubo ubadka uu barbaarinayo borogaraamka uu rabo inuu ku barbaariyo.
Waxay kaloo ku tilmaamaan culumada barbaarintu ilmaha yari inuu la mid yahay cajal madhan oo lagu duuban karo wixii hadba la rabo in lagu duubo, macno ku aadan arintanna waxaaba noo sheegay Rasuulka (s.c.w) oo yiri:
[Ilmo kastaa wuxuu ku dhashaa Islaamnimo, kadibna waxaa ka dhiga yahuudi ama kiristaan ama dab-caabude waalidkiis.]
Hadaba waxaa xasuus mudan inaan ogaanno meelaha aan la tiigsanayno boragaamaynteena, waana meelahan hoos ku xusan:
– Caqligiisa: waa inaad ku shubtaa aqoon anfacda aakharo iyo aduunba.
– Ruuxdiisa: waa inaad ku shubtaa diin iyo jacaylka Ilaahay, si uu ilmuhu ugu xirmo Ilaahay (s.c,) u noqdana ilmo adeeca waxa Ilaahay faray ka reebtoomana waxa uu reebay. Cibaadaduna waxaa lagu qeexaa inay tahay: magac kulansada wax walboo Ilaahay jecel yahay, raalina ka yahay oo ah hadalo, iyo falal kuwooda muuqda iyo kuwooda aan muuqanba.
– Jirkiisa: waa inaad dabooshaa baahidiisa nolaleed, kana haqabtirtaa gaajo iyo oonba.
– Naftiisa: waa inaad habaysaa bahida ay qabto naftiisu, si aysan u halaagin, waayo naftu way hawo badan tahay, haddii aan la habayna way seeto goosataa waxayna aad uga heshaa waxa xun, iyo shuqul shaydaan oo dhan.
2. Labarbaariyaha: waa ubadka iyo cid walba oo u baahan dhaqan celin iyo tubtoosin.
3. Tixraaca barbaarinta: Manhajka Tarbiyada: waa inuu jiraa manhaj la tixraacayo, waana inuu ku salaysnaadaa sharciga Islaamka.
4. Qaababka la adegsanayo: wadiiqooyinka wax lagu barbaarinayo waa inay yihiin kuwo si taxadar leh loo doortay, loogana baaraandagay waxtarkooda, qaababka wax lagu baariyana waxaa ugu wanaagsan qaababkii Rasuulka (s.c.w) uu adeegsan jiray oo runtii ah dastuur ku filan barbaariye walba.
5. Ujeedada Barbaarinta: waa in la helo ubad hagaagsan, oo baari ah, oo xambaari kara xilka ubadnimo ee Ilaahay (s.c.w) ku tilmaamay inuu yahay xaq aad u wayn. Ilaahay (s.c) wuxuu yiri:

(وَاعْبُدُوا اللَّهَ وَلَا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا ۖ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا)

[Caabuda Ilaahay, oo ha la wadaajina cibaadada waxna, labada waalidna u sama fala.]

Hadaba haddii aan la barbaarin ubadka barbarian wanaagsan, kama soo bixi karaan xilka ubadnimo, mana ahaanayo ubad baari ah oo u sama fala waalidkiis.

Tiirarka Barbaarinta
– Barbaariye
– Labarbaariye
– Ilanka Barbaarinta
– Qaababka Barbaarinta
– Ujeedada Barbaarinta

One thought on “Cutubka 1aad

  1. Jazaakallaah khayr. Wali maan akhriyin laakiin waxaad soo qorteen waxyaalo muhiima oo bulshada ka dhiman.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *