Qeybta 19aad

Habeennimadii danbe goor cawaysin ah ayuu Jetro isaga oo kaga duulinaya soo dhacay. Hadduu daf soo yidhi godkii dhagaxa ahaa ee ay ku jireen labada wiil ayuu warkii uu siday dhiibay, kuuye, “Qas kale ayaa dhacay, Maysa ayaa la qafaashay.”

Jebron iyo Amuba ayaa mar kali ah istaagay, “Maysa ayaa la qafaashay!” ayey kol kali ah ku wada dhawaaqeen, “Yaa sidaa yeelay? Goormaa la qafaashay? Sideed ku ogaatay?”

“Markaan idinka tagay, waxan toos dhuumasho ugu galay magaaladii waxana halkaa ka ogaaday wixii dhacay oo dhan. Hawlihii oo dhami way istaageen; dadkuna waxaan dhimashadii aabbahaa iyo bisadda ahayn kama ay sheekaysanayn. Boqorkiina wuxuu amar ku bixiyey in labadiinan iyo kuwii aabbahaa dilayba la soo qabto. Baadhis baa tuulooyinkii iyo magaalooyinkiiba lagu hayaa wixii la garan waayena inta la xidho, ayaa la itixaamayaa oo la maraanmayaa.”

“Dabadeed waxan tagay gurigeennii. Kolkaan beertii yarayd ee guriga hortiisa ku taalay sidaa ugu baxay ayaa waxan arkay habar addoomihii guriga ka mid ah oo ooyeysa. Markaan u dhawaaday waxan gartay in ay addoontii Maysa tahay deeto dhegta aan ugu qabtay ciddaan ahay, markiibana way i garatay. Si aynu u hadlin baan dabadeed farta u taagay, waxanan u kaxeeyey meel yar oo doc ah oo aan cidi na arkayn.

“Alla! Jetro,” ayey tidhi, “sayidaddii yarayd ee Maysa waa la waayey!” “La waayey!’ ayaan idhi, “Maxaad u jeeddaa?” “Markii dadkii badnaa ee bisadda raadinayey u jabeen xagga beerta guriga ka dambaysa ayaa afar nin galeen guriga. Waxan deeto maqlay qaylo, wax yar ka dibna waxa soo baxay afartii nin oo sidda wax aad qof mooddo oo maro weyn ku duuban.” Cabbaar baan hadli kari waayey, dabadeedna waxan xusuustay Ruut.

Markaasaan habartii waydiiyey, oo Ruutna aaway? ‘Garan maayo,’ ayey iigu jawaabtay, Kollayba lama raacin Maysa. Haddaan qolalkii oo dhan ka raadinayna, il iyo baar maanaan saarin.” Halkaa markuu Jetro hadalkii marinayo ayuu Jebron yidhi, “Laakiinse maxay Ruut u baxsatay? Sidaad sheegtay, kolkay askartu guriga yimaaddeen ka dib wax halis ah oo ku soo foolahaa ma jirine.” “Taa waxba kama odhan karo,” ayuu ku jawaabay Jetro, “Habartu wax arrintaa ku saabsan iguma kordhin. Meel kaloo aan war ka heli karayeyna ma jirin; waxanay ila noqotay in aan dhakhso u soo noqdo.”

“Ilaa intii aan socday oo dhan waxan yar goobayey sidii aan wuxuun uga ogaan lahaa ciddii Maysa qafaashtay.” “Waxan u malaynayaa in aynnu socdaalkii aynu ku baxsan lahayn maanta bilaabi karayn,” ayuu yidhi Jebron, “sina uma tegi karno ilaa aynnu ogaanno waxay Maysa ku eeddan tahay.” “Waa runtaa,” ayuu raaciyey Jetro, “waa waajib i saaran in aanan meella u bixin ilaa la helo gabadha, Aabbahaa aad buu iigala ballamay nabadgelyadeeda in kasta oo aanay markaa isaga u muuqan sidii aynnu wax ugu tari lahayn waayo wuxuu filayey in mar haddii ay iyadu hooyadeed ka ag dhawdahay aan wax dhib ihi gaadhayn. Imikase waxaa cad in ay aad innoogu baahan tahay.”

“Sida ii muuqata arrintaa Bataylus uun baan eedeed saari kamaa,” ayuu yidhi Amuba, ujeeddadiisa oo dhami waxa weeyaan in ay Maysa u xidhnaato ilaa darajada Wadaadka Sare la siinayo. Dabadeed markaa haddii boqorku guurkaa ogaado, Maysa sinaba kuma diidi karto.” “Waxay ila tahay waa runtaa Amuba. Su’aasha inna hortaallaase waxa weeyaan: Maxaan yeellaa? Illayn iyada oo gacanta Bataylus ku jirta kama tegi karnee,” ayuu yidhi Jebron. Jetro baa dabadeed dhaar xaf ku siiyey oo yidhi, “Ballan waxaan kuugu qaadayaa Jebron, in wax kasta hadday dhacayaan, aanay reer Bataylus gabadhaa guursan. Haddaynu Maysa wayno, kollay ma Blekso iyo aabbihii ayeynu waayi. Intaynaan Masar ka teginna waa inaan labadaba gacantayda ku dilaa; waayo iyaga ayaa u sabab ahaa dilkii aabbahaa.”

Iyaga oo hadalkii halkaa marinaya ayaa Jigron u soo galay, “Waxan doonayey in aan ogaado in Jetro soo noqday iyo in kale,” ayuu yidhi, “Waxanan u malaynayaa in aydaan dhuumashadii halkan ku sii raagi karayn. Askarti baa meel kasta baadhaysa; mar aan dheeraynna halkan bay imaan doonan. Waxay markaa ila tahay meelo kale oo godad xabaalo loogu talagalay oo buurta dhankeeda shishe ku yaalla in aad gashaan. Intaan cadceeddu soo bixin baanaynnu tegi halkaa oo aan idin tusi doonaa.”

Markuu waagii dillaacay ayuu haddana u soo galay. Buurtii ayey koreen. Cabbaar markay socdeen ka dib ayaa waxa ka soo hor baxay dhagax weyn. Dhagixii ayey dhanka kale ka mareen; waxayna arkeen god afkiisu dhagax ku yaallo oo gudihiisa marka hore loo sii eego qol weyn oo kale la moodo. Meeshu waxay ahayd xabaal nin sare samaystay.

“Waa halkan meesha aan is idhi way ugu habboon tahay in ay ku dhuuntaan. Xabaalaha kale way ka yar durugsan tahay, oo cidina in ay u soo dhowaato lagama yaabo. Dhagaxan ag yaallana waxa loo dhigay in afafka lagu awdo. Markaa marka aad gashaan ayeydin god afkiisa ku awdi, si aan waxa ku jiraba loo tuhmin. Meesha ninkii samaystay beri dhaweyd ayuu dhintay oo maydkiisii la dhigay. Wiilkiisa ayaa ii sheegay in aanu dhababayn waayo hooyadii oo iyana aad u bukta ayuu filayaa in aanay sii noolaan doonin oo u markaa maydkeeda halkan dhigi doonaa. Maalintu waa in aanaydin ka soo bixin habeenkiisa meesha aad doontaan ayaad mari kartaan. Waxan idiin keeni wixii aad cunto iyo dhar u baahan tihiin. Waxa kale oo aan idiin hayaa lacagtii uu Ameres iigu kiin dhiibay.”

Markii uu Jigron ka baxay ayey seddexdii saaxiib xabaasha ibrinkeedii soo fadhiisteen oo kor ka daawadeen magaaladii oo bannaanka weyn ee ka hooseeya ku taallay. Cabbaar ayey deeto halkii falanqeeyeen tabaha ay wax ku qabsan lahaayeen.

“Waxaan rumaysanahay,” ayuu yidhi Jebron, “in muhimaddeennu horaysaa tahay in aynnu daba galno Blekso. Bataylus waxa laga yaabaa in uu ku mashquulsan yahay sidii looga dhigi lahaan Wadaadka Sare. Waxana markaa suuragal ah in uu Blekso kol kol tago halka ay ku qariyeen Maysa. Sidaynu ognahay haddaanay ku qarsoonayn gurigiisa isaga uun baa inoo hor kici doona meesha ay ku eeddan tahay.”

“Waa flkrad wanaagsan,” ayuu yidhi Jetro. Jebron baa hadalkii sii watay oo yidhi, “Si aynaan ugu baahan in aynnu goor walba gurigiisa ka ag warwareegno, waxay ila tahay in aynnu dhakhso u ogaano meelaha uu maro oo dhan. Waxaan soo iibsan doona danbiil ubax ah oo aan la hor fadhiisan doonaa irridda weyn ee gurigiisa; idinna iridda danbe iyo dhinac ayeydin iska taagi doontaan. Waxaan filayaa in uu casarka ka soo laaban doono kaniisadda: saacad ka dibna laga yaabo in uu u baxo meesha qarsoodiga ah. Waxan anigu markaa ogaan doonaa jidka uu raaco. Marka habeennimada aynnu isku nimaadno ayeynu seddexdeenuba jidkaa uu maray, seddexmeelood oo labo labo mayl isku jirta kala joogsan doonaa. Waxaynu markaa ogaan doonaa ilaa inta, uu jidkaa u raacay hore u sii socday. Maalintaa ayeynu ka qiyaas qaadan doonaa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *