All posts by maamule

Aqoonyahan

AQOONYAHAN

Warside saddexbiloodle ah oo ay soo saarto Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

S.B. 15 Muqdishow Tel. 22742

Waxaad tirsigan ka akhrisan kartaa:
– Himilada Kulliyadda Diraasaadka Islaamka
– Naxwaha Af-Soomaaliga
– Diinta Waa Baahi Bulsho
– Ka-Faa’ideysiga Kulaylka Dhulka
– Curriculum Changes at Lafoole

Sannadkii 1aad
Tirsigii 1aad
Maarso 1984

GUDDIGA QORAALKA
MAXAMUUD ISMAACIIL CABDIRAXMAAN – GUDDOOMIYE
Maxamed X. Xuseen Raabi – XUBIN
Maxamed Cabdi Caruush
Cabdalla C. Mansuur
Muxsin Naaji Sacad

TUSMO
Dhalashada “AQOONYAHAN”
Jaamacadda iyo Xallinta Dhibaatooyinka Ummadda
Aqoonta Tayeysan
Naxwaha Af-Soomaaiiga: Dood Gaaban
Oromada iyo Soomaalida
Diinta Waa Baahi Bulsho
Kaalinta JUS Xagga Baahinta Afka iyo Hiddaha Carbeed
Ka-Faa’iideysiga Kulaylka Dhulka
Dhibaatooyinka ay Leeyihiin Xulashada Mashaariicda Horumarinta: KTHB
Dhaqdhaqaaqa Ciyaaraha Jaamacadda
Magacaabid Hormuudyo Cusub
Madaxwaynaha oo ka gaybgalay xaflad lagu maamuusayo maalinta macallinka Soomaaliyeed
Madaxweynaha JDS oo furay bandhigii Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed
Madaxweynaha JDS oo furay shirkii guddiga iskaashiga JUS iyo Talyaaniga
Wareysi “AQOONYAHAN’* la yeeshay Wasiirka H. & T. S.
Xoojinta iskaashiga jaamacadda Qadar iyo JUS
Library
Curriculum Change at Lafoole
Concept of Muslim Ummah and History
Farewell Oh Beautiful Somalia

DHALASHADA “AQOONYAHAN”
Maxamuud Ismaaciil Cabdiraxmaan (Kulliyadda Saxaafadda)

“AQOONYAHAN” waxa uu ka dhashay dareen baahi loo qabey, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliyeed Jaalle Maxamed Siyaad Barre isaga oo cabbiraya dareenkaas waxa uu ugu baaqay aqoonyahannada Soomaaliyeed in ay soo saaraan wargeysyo bandhig u noqon kara fikradahooda iyo cilmi baaristooda la xiriira xallinta dhibaatooyinka Ummadda, xag dhaqaale, bulsho iyo siyaasadba.
Dood-cilmiyeedkii JUS ay ku qabatay Huteelka Jubba dabayaaqaddii sannadkii 1982kii, waxa ka soo baxay go’aan ah in ay soo saarto JUS Wargeys xoojiya kala warqabidda iyo iskaashiga Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, isla markaasna xiriiriya JUS iyo Jaamacadaha dalalka kale.
Xiriirka noocaas ah waxa ka imaan kara faa’iido iyo horumar dan u ah, una adeegaya qaddiyadaha ka dhexeeya bani’aadamka, waayo guulaha cilmiga laga gaaro waqti kasta waa kuwo waxtarkoodu saameeyo nolosha bani’aadamka farqi la’aan.
Haddaba, dhalashada “AQOONYAHAN” oo caddadkiisii kowaad yahay midka aad akhriyeyso, waxa asaas u ah dareenkaas, baahidaas, baaqaas iyo go’aankaas Ummadda, Madaxweynaha iyo Aqoonyahannada oo Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo JUS u tarjumeen ficil.
Sidii “AQOONYAHAN” ku gaari lahaa himilada loo asaasay, waa arrin ku xiran indheer garatada Soomaaliyeed hadba xilka ay iska saaraan.

Faallo
JAAMACADDA IYO XALLINTA DHIBAATOOYINKA UMMADDA
Maxamuud Ismaaciil Cabdiraxmaan (Kulliyadda Saxaafadda)

Waxbarashada Jaamacadeed waa marxalad Takhasus cilmi oo noocyo iyo heerar kala duwan leh.
Waxayna leedahay muhiimad ama ujeedo ah daryeelka dhallinyarada mowhibada leh (talent), kobcinta awoodooda iyo daboolidda bulsho weynta waqtiga xaadirka ah iyo mustaqbalka, taas oo ka imaaneysa barbaarinta fikradeed iyo tababaridda Cilmiyeed hawlwadeenno hirgelin kara qorshaha qaranka iyo hoggaanka siyaasadeed ee Ummadda.
Jaamacaddu waa xarun cilmi baarista u jahaysa xalinta mashaakilka bulshada, kana qayb qaadata amaba hogaamisa horumarkeeda.
Haddaba Jaamacadi si ay u gudato waajibaadkaas, waa in ay mar kasta sameyso isbeddel horumar leh xagga manhajka waxbarashada, Cilmibaarista iyo hirgelinta natiijooyinka ka soo baxa, isla markaas waa in ay la socoto horumarka guud ee cilmiga iyo aqoonta bani’aadamka.
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxay soo martay marxalado dhowr ah, waxayna mar walba ku mintideysey fulin qorshe u suura geliya in ay kaalinteeda ka qaadato xagga Waxbarashada Akadeemikada ah iyo horumarinta guud ee bulshada.
Marxaladdii asaaskeeda JUS, waxay ka gudubtay dhibaato adag oo ahayd tanaaqud ka dhaxeeyay xagga himilada iyo maslaxadda wadaniga ah ee Ummadda ee dhismo Jaamacad Wadani ah iyo xagga awooda dhabta ah ee Qaranka oo dhaqaale yari iyo aqoon yari haysatay.
Dhibaatooyinkaas, waxaan kaga gudubney shucuur wadanimo, isku kalsooni iyo dhiiranaan ka tarjumeysay baahida Ummadeed iyo siyaasadda kacaankaba.
Waxayna ku dhammaatay guul JUS ka yeeshay inay noqoto ilays aqooneed.
Marxaladdii labaad, waxay ahayd xoojinta iyo horumarinta JUS, marxaladaas gudaheeda JUS, waxay abuurtay kaadir Jaamici ah oo hanta qaybta weyn ee duruus bixinta iyo cilmi baarista
Kulliyadaha JUS. Guulaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay gaadhay labadaas marxaladood, waxaa ka dambeysay Siyaasadda Kacaanka oo awood dhaqaale qalab iyo tashiilad nooc walba leh u fududeysay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Marxaladda saddexaad, waa mid hadda socota ee JUS sameyneyso horumar ballaaran xagga Kulliyadaha qaarkood oo u gudbey heer Takhasus Sare, sida Kulliyadda Caafimaadka, Dhismo Kulliyado cusub oo kala ah Saxaafada, Afafka iyo Diraasaadka Islaamka oo ahmiyad gaar ah u leh xagga xoreynta maskaxda iyo fikradda iyo xoojinta hiddaheenna Islaamka.
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay sameysay Cilmi baaris kaalin horseednimo ka qaadatay kobcinta aqoonta iyadoo u jaheysay xalinta dhibaatooyinka bulshada iyo horumarkeeda. 1982-1983, JUS waxay qabatay laba dood Cilmiyeed oo kala ah degaameynta aqoonta iyo Qabiilka iyo Qaranka.
Doodahaas waxay lahaayeen ahmiyad heer qaran ah. Waxaana ka qayb galay Madaxweynaha JDS Jaalle Maxamed Siyaad Barre oo furitaankoodii ka jeediyay Khudbad muhiim ah, aqoon yahanno Takhasus walba leh, Madaxda Dawladda iyo dadweynahaba, go’aanadii ay soo saareen, waxay ahaayeen kuwo xal Cilmi ah u horseeday dhibaatooyinka Ummadda.
Sidaas awgeed, waxaan rajeynaynaa in hey’adaha Dawladda iyo indheer garatadu go’aannadaas Cilmiga ku saleysan hirgeliyaan una beddelaan wasiilo dhab ah ee lagu daweeyo cudurrada bulshada sida: Qabiilka, lagagana adkaado dib u dhaca dhaqaalaha.

AQOONTA TAYEYSAN
DHUGTA FALSAFADDA KACAANKEENNA SIDA U QEEXDAY
Prof. Maxamuud Nuur Caalim
(Kulliyadda Waxbarashada Lafoole)

QEEXID
Aqoonta Tayeysani waxa ay tahay aqoon ay weheliso sugitaanka qiyamka dhexdhexaadnimo ee faca weyn, isla markaasna loo kasi karo in ay bilawgeedii la kowsatay aadamiga. Halkaas oo kasmadeeda si xeel dheer looga tibaaxi karo:- In ay aqoontaas tayeysani tahay aqoontii soo jiraaga ahayd. Waxa kale oo hubaal ah in dhugta aqoontaas Tayeysan si cad looga dheehan karo: siyaalaha ay ugu suurtageli jirtay Ummadihii inooga horreeyay xalinta dhibaatooyinka faca weyn ee ay ka mid yihiin:
– Xasiloon la’aanta Nabadgelyada dunida iyo
– Dhibaatada cunnoyarida dunida.
Waxa halkaas laga filan karaa in Aqoonta Tayeysan laga kasban karo waayo-aragnimo oo si habsan u hogaamin karta adeegsiga aqoonta tiknoloojiyadda casriga ah. Xeeshaas Tayeynta awgeed ayaa kacaameyn karta adeegsiga aqoonta Tiknoloojiyada Casriga ah, si ay uga badbaadiso aadamiga dhibaatooyinkaas faca weyn ee halista ku ah dunida.
Waxa hubaal ah, in aadamigu u baahan yahay in la garwaaqsi iyo sugidda qiyamka dhexdhexaadnimo oo aan bilow ahayn; sida gadaal ku xusan, lana sarmo seegin dheelitirka aadamiga (Human Equation) oo loo kasi karo in dhammaan dadyawga dunida ay siman yihiin; isla markaas na qiyamkaas dhexdhexaadnimo in lagu hirgelin jiray dhaqan aqooneed oo kasta. Halkaas oo laga arki karo sababta ay ugu caal la’dahay adeegsiga aqoonta tiknoloojiyadda casriga ihi, maareynta dhibaatooyinkaas faca weyn ee kor ku xu’saniin ay tahay iyada oo fac yar.
Maareynta dhibaatooyinka halista ah waxa la hanan karaa marka ay aqoonta tayeysani habsami u hogaamiso hadba heerka ugu sareeya ee ay adeegsiga aqoonta tiknoloojiyadda higsanayso.
Tusaale ahaan:- Waxa la ogsoon yahay in qof kurey ihi uu u adeegi karo u ciidamidda qoyskooda hadba inta awoodiis tahay hase yeesho ee aan kureygaas laga filayn in uu hab “Waayeel” ugu maaro helo u caal helidda dhibaatooyinka ka fac weyn ee qoyska soo food saari kara.
Waxa tusaalahan kor ku xusan laga arki karaa in haatan aqoonta guud ee caadiga ah ee tacliin sare oo lagaga baaran degayo Jaamicadaha iyo Xarumaha Cilmiga ay tahay aqoon iskeed u fac yar; isla markaasna laga kasi karo in ay hogaamineyso adeegsiga aqoonta tiknoloojiyadda casriga ah. Halkaas oo laga garan karo jaho wareerka aqoonta haysataa haatan in uu yahay tartanka hubka halista ah ee hab sedbursiimo ahaan ka dhex oogan quwadaha waaweyn. Taas oo laga garan karo in Tacliinta Sare ee haatan dunidu isbideyso in ay higsaneyso heer sare tahay mid marin habawday, haddii aanay ka badbaadin aadamiga CABSI IYO GAAJO. Waxa halkaas laga arki karaa in indheergaradnimada horumar ee haatan la higsanayaa hadba kasii fogaanayso dhugta iyo kasmada indhawgaradnimo amase sugitaanka aqoonta Tayeysan. Halkaas oo laga arki karo in hogaaminta kuraynimo ee adeegsiga aqoonta tiknoloojiyadda Casriga ihi ka sarmo seegtay sugitaanka dheelitirka aadamiga; lagana filayn in ay hab waayeelnimo ugu caal hesho maareynta dhibaatooyinka ka fac weyn ee halista ku ah dunida, ay kana mid yihiin: CUNNOYARIDA IYO XASILOONI LA’AANTA DUNIDA.
Sugidda indhawgaradnimo waxa ay tahay tixgelinta la siin karo dhaqan-aqooneed oo kasta oo si loo siman yahay laga dheehan karo sugitaanka waayeelnimo ee qiyamka dhexdhexaadnimo, lagana dheehan karo aqoonta tayeysan; sida ay mudnaanshaha u siisay aadamiga in uu adeegsado hadba inta uu ka hanto adeegsiga aqoonta tiknoloojiyadda casriga ah. Halkaas oo si cad looga arki karo in dadyawga haatan ku dhaqan dunida la garwaaqsiiyo, iyaga oo si cilmiyeysan loo tusayo in TAYEYNTAASU tahay MAAREYNTA lagaga badbaadinayo dunida dhibaatooyinka halista ah ee soo food saara, ee ku saleysan adeegsiga tiknoloojiyadda casriga ihi in ay habsami ugu ciidanto.
Halkaas oo dib u hanashada dhugta iyo kasmada aqoonta tayeysan ee laga soo dheegay aqoontii soo jiraaga ahayd ee aragtiyada waayo-aragnimo ku dheehan yihiin; isla markaasna hab sugan looga tibaaxi karo maareynta sugitaankaas qiyamka dhexdhexaadnimo ee loogu tala galay in ay xeeshaas tayo hogaamiso saleynta aragtida laamaha iyo tabeynta adeegsiga tiknoloojiyadda, si aadamigu uga faa’iideysto, isla markaas na maamulku maareyn u yeesho. Halkaas oo laga arki karo, sida Eebaheen qiyamkaas dhexdhexaadnimo hab dhammeystiran ugu soo gunaanaday Diinta Islaamka.
Waxa nasiib darro ah in weli aqoontaas tayeysan loo arkin in hab waayeelnimo u hogaamin karto tacliimaha sare ee Cilmiga taas oo ay sababtu tahay: Sedbursiimo awgeed aadamiga loo
arkay in uu yahay mid u heelan dagaal iyo dirir; isla markaasna hab gefsan adeegsiga aqoonta tiknoloojiyadda casriga ihi ku khasbeyso in aadamigu noqdo nafley weerar iyo dagaal u taagan.
Waxa halkaas laga arki karaa in aqoonta tacliinta lagaga baaraan degayo xarumaha ay hogaaminayso, sida loo arkayo adeegsiga aqoonta tiknoloojiyadda casriga ah, una leexatay sedbursiimo iyo aadamiga oo ka marin habaaba hababkii laga filayay in maareyn horumar uu gaaro. Halkaas oo laga arki karo in aqoonta tayeysan ee ku hogaamin kartaa ay tahay; sugitaanka dhugta iyo kasmada Quraanka oo ka xoogweyn saleynta tayeynta aragtida laamaha Cilmiga isla markaasna laga arki karo, sida dheelitirka aadamigu u udub dhexaad ugu yahay in dhammaan culuunta iyo cilmiga diiniga ahba loo siman yahay oo si ay sinaan iyo cadaaladi ku dheehan tahay loogu hirgelin karo dhaqan aqooneed oo kasta. Waxa halkaas si cad looga garan karaa in maareynta sugitaanka qiyamka aadaminimo uu si fac weyn u yahay, DHAQANWADAAG; isla markaasna tixgelin aragtiyada waayo-aragnimo ee dhaqan aqooneed oo kasta hab indhawgaradnimo u adeegsan karo inta uu hanan karo farsamada tiknoloojiyadda, si uu ugu leexdo ka faa’iideysiga Cilmiga. Halkaas oo laga arki karo in tayeynta maareynta sugitaanka qiyamka dhexdhexaadnimo – aan la hanan kareyn, marba haddii la sarmo seego u caal helidda falsafadihii hore wax uga qaban kari jireen dhibaatooyinka faca weyn ee soo foodsaari jiray.
Waxa hubaal ah in haatan loo arki karo in aadamigu u adeegsanayo qalabka tiknoloojiyadda, isla markaasna kureynimadeeda laga filayn in ay ka badbaadiso dhibaatooyinka faca weyn ee soo food saaray. Waxa loo baahan yahay dadyawga dunida saddexaad in hab tayeysan iska xoreeyaan aragtiyada faca yar ee hab qaab adeegsi u garwaaqsiinayo in aan loollan weerar iyo dagaal lagu gaari karayn horumar. Waxa hubaal ah saleynta indhawgaradnimo ayaa xeel tayo, oo horumar ku dheehan yahay lagu hanan karaa.

NAXWAHA AF-SOOMAALIGA
DOOD GAABAN
Maxamed X. Xuseen Raabi
(Kulliyadda Waxbarashada Lafoole)

Maanta iyo intii Af-Soomaaliga aynu qorannay, waxa soo shaacbaxay weedho halhays noqday
oo ku saabsan Af-Soomaaliga Naxwihiisa. Weedhahaasi aad ayaa ay u faro badan yihiin. Dooddan koobani waxa ay ku saabsan tahay xal-uhelidda weedhahaas halhaysoobay ee lixda ugu joogtaysani yihiin:
1. Yaa Naxwaha Af-Soomaaliga u baahan?
2. Af-Soomaaliga Naxwihiisa cidi garan mayso;
3. Naxwe af-shisheeye ayaa lala doontay afkii;
4. Yaa isku raacay?
5. Af-Soomaaligu waa margi;
6. Af aan isaguba cilmiyaysnayn sidee baa cilmi loogu baran karayaa?

Haddii aynu rabno in aynu Soomaalida hadalkeeda ka dhaqno weedhahaas, waa in aynu u helno jawaabo ku habboon. Kolkaas, halkan waxa aan isku deyeyaa in aan weedh kasta jawaab ku filan ka bixiyo inta kasmadeydu awood u leedahay.

  1. YAA NAXWAHA AF-SOOMAALIGA U BAAHAN?
    Marka ugu horreysa su’aashani uma janjeedho ogaanshaha cidda Naxwaha Af-Soomaaliga u baahan; balse waxa ay u janjeedhaa in aan Naxwaha Af-Soomaaliga loo baahnayn marka loo fiirsado sida loo dhaho, waxase dhici karta in labada loola jeedo mararka qaarkood. Kolkaas waa in aan labadaba ka jawaabaa.
    Haddii aan su’aashan ujeeddadeeda dambe ku horreeyo, waxa ay jawaabteedu tahay waa loo baahan yahay. Aad iyo aad ayaa baahi weyn maanta loogu qabaa. Qofkii in uu Af-Soomaaliga ku hadlo doona, kii in uu qoro jecel, kii in uu akhriyo ku dadaalo iyo kii in uu dhageysta uun raba intuba waa ay u baahan yihiin Naxwihiisa. Haddii aannu hadluhu afka Naxwihiisa sugin, waxa uu noqonayaa cudurside afka iimeeya.
    Cudurrada uu qofka afkeena Naxwihiisa gefaa Af-Soomaaliga ku abuuraa waa ay badan yihiin, waxana ka mid ah:
    LAHJADAHA Naxweed ee maanta af-Soomaaliga ku badan ee u qeybsama kuwo weedheyneed (syntactical) kuwo ereyeyneed (morphological) iyo kuwo codeyneed (phonological). Kuwa weedhayneed waxa ka mid ah:
  2. Maxay waaye? Maxay weeye? Waa maxay?
  3. Maxaas yiri? Maxay yiri? Muxuu yiri? iyo
  4. Miyuusan iman? Miyuunan iman? Miyaanu iman?

Saddexdaas tusaale mid waliba waxa uu ka kooban yahay saddex weedhood oo kala lahjad ah; sida tusaale kasta lahjadda saxa ah loo ogaan karaa waxa ay ku xidhan tahay garashada cilmiyeed ee Naxwaha af-Soomaaliga.
Lahjadaha heerka ereyeyneed iyo heerka codeyneed ayaa kasii faro badan kuwa weedheyneed. Bal ereygee baa sugan naxwe ahaan ereyyadan – dhalxamag, dhalxanag, dhabxamag, dhabxanag, dhanxamag iyo dhanxanag? Codadkan suntan ee ereyyada: tuulooshin, tuuloodhin iyo tuulooyin kee baa codeynta sugan ee afkeennu ogoshahay? Kolkaas saddexdan tusaale iyo qaar kale oo badani, waxa ay jawaab sugan u yihiin su’aasha ujeeddadeeda dambe.
Ujeeddada su’aashu haddii ay u janjeedho ogaanshaha cidda u baahan naxwaha af-Soomaaliga, waxa aan dhihi karaa oo idinku aydin garawsan kartaan in ay u baahan tahay cid kasta oo barashada af-Soomaaliga rabta sokeeye iyo shisheeye.
Cudurrada lahjadaha dhaliya waxa ka mid ah: hadalka (oral speech) kama’a (slip of the tongue) fiiro la’aanta (fearlessness) dhego cuslaanta (hard-hearing) iwm.

  1. AF-SOOMAALIGA NAXWIHIISA CIDI GARAN MAYSO
    Weedhani waa mid hawl yari loo soo tuuray oo aan laga fiirsan ujeeddadeeda maxaa yeelay qofkii yidhi baa naxwaha af-Soomaaliga si fiican u garanaya iyada oo aan qof kale la doondoonin. Sababta oo ah weedhu waa weedh naxwe ahaan toosan.
    Qof aan naxwaha af-Soomaaliga garanayni weedh af-Soomaali ah oo toosan ma dhihi karo. Waxase hubaal ah in ay jiraan laba heer oo garasho, marka Naxwe gaar ahaan laga hadlayo: heer daalacan (conscious level) iyo heer dedan (subconscous level). Soomaali kastaa waxa uu afkiisa u leeyahay garashada daalacan ka sokow, garasho dedan, oo isaga oo aan ogeyn ayaa uu sharciyada naxweed ee afkiisa isticmaalaa. Haddii uu qalad dhaco, oo aanuu qaladkaas ahayn mid lahjadoobay, markiiba waa uu kasaa in uu qaladan yahay; laakiinse ma sheegi karo qaladku sharciga naxweed ee uu jebiyey ama gefay. Waxa aan filayaa markaas in weedhan ujeeddadu tahay in aanay jiirin cid tilmaami karaysa nooca sharciyada Naxweed ee af-Soomaaliga. Marka dhinacaas laga fiirsho weedhan, waxa hubaal ah in Soomaalida badidood aanay tilmaami karin sharciyada naxweed ee afkeennu leeyahay. Waxase jira dad yar oo faro ku tiris ah, oo si fiican u tilmaami kara, oo u qeexi kara af-Soomaaliga xeerarkiisa naxweed ee saleed intooda badan.
    Weedhan waxa aan ka dhihi karaa in ay Soomaalidu awood u leedahay in ay sixi karto qaladka naxweed ee ay gaystaan. Waxase aanay awood u lahayn in ay magacaabi karaan qaladka naxweed nooca uu yahay.

     

  2. YAA ISKU RAACAY?
    Su’aashani badi waxa ay soo fakataa marka qof Soomaali ihi arko sharci naxwaha af-Soomaaliga ku saabsan oo qof kale isku deyey in uu tilmaamo. Su’aashan murtideedu waa ta Soomaali badan hodday. Haddii xaqiiqda sugan ee jirta adduunka loo fiirsada, waxa qof waliba qiri karaa in waxyaabaha, cid kale iska daaye, inan iyo aabbihiis, inan iyo hooyadeed, odey iyo habartii ay isku raacaan kooban yihiin, Mararka qaarkood, iyaga oo jiritaanka shay wada qiraya ayaa ay isku diidaan habka uu u jiro, faa’iidadiisa, ama sansaankiisa.
    Run ahaan afafka hore looga shaqeeyey naxwahooda weli la iskuma raacin walaw qaarkood qornaayeen dhawr qarni, culimada qeexidda naxwahooda isku dayeyna aad ayaa ay u badnaayeen, aqoontooduna aad ayaa ay u qoto dheerayd. Afkeenna oo 11 sano oo keli ah soo qornaa, culimo cilmiga afafka ku xeeldheerna ay bulshadiisu ka sabool tahay, aad ayaa ay u adag tahay isku raacidda naxwihiisu. Inta yar ee cilmiga afka u leh aqoon saleed waxa kala kaxeynaya meelaha ku badan afka ee aan heerka aqoontoodu gaadhsiisnayn.
    Naxwaha af leeyahay jiritaankiisu waa aragti (theory) aragtiyina uma dhammaystirna farsamo (practice). Aragti kasta oo jirtaa ma sugto maaddada ay ku saabsan tahay idilkeed. Sidaas darteed ayaa aqoonyahan kastaa isugu dayaa in uu qeexo aragti ka fiican oo ka xoogroon tii ugu fiicnayd sugidda maaddadiisa. Middaasi waxa ay dhalisaa ama dhalisay in maaddo kasta oo cilmi ihi dhawr aragtiyood oo kala xoogroon ama casrisan ay leedahay. Naxwaha af-Ingiriisiga, tusaale ahaan, waxa loo adeegsaday dhawr aragtiyood oo cilmi oo mid walba ay ka dhasheen dhawr naxwe. Waxa markaas isweydiin leh sidee baa naxwe af, dhawr naxwe oo kala duwan u yeelan karaa? Jawaabtu waxa ay tahay marka uu qof shay eego, shey kasta in ayaa muuqata; ini na waa ay qarsoontaa. Shay dhammaantiis wada muuqdaa marka la fiirinayo ma jiro. Haddii aad doonayso in aad wada aragtid waa in aad kolba dhan ugu wareegtaa oo kolba dhan u rogtaa. Naxwaha af waa sidaas oo kale. Aragti kasta oo naxweed markaas meelo ayaa ay si fiican wax ugu tilmaantaa meelona waxba kama tusmayn karto. Naxwaha dugsiyada (school or pedagogical grammar) ee af-Ingiriisiga ama af-Talyaaniga ee duqsiyada lagu bartaa waa naxwe xubnihiisa fara badan loo adeegsaday xubin kasta aragtida cilmi ahaan ugu habboon lafa-gurideeda. Waxa markaas la la’yahay ilaa maanta aragti naxweed oo awood u leh in ay naxwaha af leeyahay dhammaantiis wada lafagurto. Sidaas daraadeed ayaa aanay suurtagal u ahayn ama ay u adag tahay in cilmi ahaan la isku raaco sharciyada naxwe ee af leeyahay, gaar ahaan af-Soomaaliga mudada yar qornaa.

  3. NAXWE AF SHISHEEYE AYAA LALA DOONTAY AFKII
    Murtida laga rabo in ay weedhani gudbiso, waa mid marka ujeeddada weedha la fiirsho aan xaqiiqda jirta ahaan karin. Weedhan waxa loola jeedaa, sida ay ila tahay, in af-Soomaaliga aan la cayn wereejin ee sida uu yahay naxwihiisa loo qeexo. Anigu waxba kama qabo middaas, maxaa yeelay sida qofka ku dhawaaqay weedhani jecel yahay ayaa aan aniguna jeclahay. Waxase aan hubaa haddii naxwe af kale lala doonto iyo haddii malamalayn (trial and error) Naxwihiisa lagu raadiyo in dulucdu isku naxwe isugu biyoshubanayso. Sababta oo ah lafagurid kasta waxa lagama maarmaan ku ah in ay ciriqyada iyo xubnaha dabiiciga ah ee af-Soomaaligu leeyahay ay raadiso. Af-Soomaaliga ciriqyadiisa iyo xubnihiisu waa wax gaar ah oo sugan oo iyada oo qalad dhaco mooyaan ee aanay suurtagal ahayn in la qaloocsho.
    Xaqiiqadu sida ay tahay murtida weedhani waa ay wiiqan tahay. Marka hoos loogu fiirsado afafka adduunka oo dhammi; Naxwe ahaan xeerarka ay iskaga midka yihiin ayaa ka xoogroon sharciyada ay ku kala duwan yihiin. Culimada cilmi afafka dhammaantood waxa ay rumeysan yihiin in kala duwanaanta afafku ay tahay baarnimo ee aanay ahayn salnimo. Waxa af af ka dhigay ayaa ka jira af kasta. Kolkaas dhammaan afafku waxa ay ka siman yihiin jiritaanka xeerar tirsan oo naxweed oo wada sameeya. Waxase ay ku kala duwan yihiin sida af kastaa ugu dhaqmo heer kasta oo naxweed. Xeerarka af waliba leeyahay waxa kamid ah wadaraynta (plural formation).
    Tusaale ahaan af-Ingiriisigu waxa uu lee yahay todoba dhambal-erey (allomorphs) saddex saameeya wadaraynta abyan (regular) iyo afar sameeya wadaraynta aan abyanayn (irregular). Wadaraynta abyan dhambal ereyyadooda waxa kala duwan sida codka ugu dambeeya magaca uu u soo baxo. Kuwo aan abyanayn kala duwanaantoodu waxba kuma xidhna ee waa xor. Af-Carbeedka wadareyntiisu waa ay ka duwan tahay tan af-Ingiriiska. Afar wadarood ayaa af-Carbeedka leeyahay oo aan ku xidhnayn sida codka ugu dambeeya magacu uu u soo baxo ama meesha uu kasoo baxo; Afartaas oo kala ah: (1) wadar mataamaysan (dual plural), (2) wadar lab (musculine plural), (3) wadar dheddig (feminine plural), (4) wadar jajab (broken plural). Afartaas wadarood saddexda hore ayaa abyan (regular) waxana saameeya oo baddela dhihidooda hadba magacu yeele, layeele, ama meeleeye ku sidkane kii uu yahay. Af-Ingiriisiga sidani ma dhacdo.
    Af-Soomaaliga dhaqanka xeerka wadareyntiisu waa uu ka duwan yahay kuwa labadan af. Isaga waxa isa saameeya xeerka caynka (gender) -lab iyo dhedig iyo labo iyo toban dhambal-erey (allomorphs) oo ku baaha afartaas cayn wadarood oo kala ah:
    (1) keli lab oo isu beddesha wadar lab: Miiska – miisaska;
    (2) keli lab oo isu beddesha wadar dheddig: Duqsiqa – dugsiyada;
    (3) keli dhaddig oo isu beddesha wadar lab: Lafta – lafaha, iyo
    (4) keli dheddig oo isu beddesha dheddig: bidixda – bidixyada.

Xeerka wadaraynta sharciyadiisa naxweed ee ay sddexdan af (Ingiriisi, Carabi iyo Soomaali) ku kala duwan yihiin, waa aan guud maray. Waxase aan filayaa in guud maridoodu ku filan tahay murti ka siibidda weedhan.


LIBRARY
Sirad Yusuf Ismail
(Chief Librarian of SNU)
The Institution of Library is as old as civilization itself as we know it, older than paper, older than print. It extends back to the scrolls, papyrus and clay tablets that appeared near the dawn of writing, back to ancient Mesopotamian and Egyptian civilization.
The basic function of all libraries was to preserve material by collection. Now they have come to serve many other purposes as well. The material they stock often includes films, slides, phonograph records, and tapes, as well books and manuscripts. Thus, by housing readily available information and the dissemination of its convenient transmission to students and others and by providing a source of instructive and creative reading, viewing, and listening for the general public of all ages, libraries play a major role in modern social organization.

HISTORICAL BACKGROUND
In earliest times there was no distinction between a record room (or archive) and a library, and in this sense libraries can be said to have existed for almost as long as records have been kept.
During 15th century, man first made possible the creation of a significant number of relatively large collections of books. But the modern role of the library did not begin until the latter part of the 19th century which saw significant awakening. Libraries had grown in size, but their growth had been haphazard; administration had become weak, standards of service almost non-existent, funds for acquisitions were inadequate.
By the end of the century new conceptions of the purpose and scope of learned libraries were everywhere lacking shape. The library then responded to three concurrent and related developments; the emergence of an urban industrial society that required a generally literate population; a serious commitment of the state to free, universal compulsory education; and the development of high-speed steam-powdered rotary presses and mechanical methods of producing paper from wood pulp, inventions that made it possible to produce books, magazines, and newspapers for everyone.
Print became a mass media, and the public library became the principal instrument for making books available to the people at large. All these means simply that the technology of the 19th century industrial revolution has given way to a system of production and the library, more than any other instrument of society, opened to public use the treasury embodied in books. Early in the 20th century it became possible to record sound and motion picture.
Later, radio and television made it possible to assemble audiences of tens of millions to witness living actuality. The great quantity of information now being made available has the potential to free man, to enable him to shape the world to his choosing, to conquer his ills and deprivations. All these developments place new kinds of demands on the library and open new opportunities to it.
The library assembles information from countless sources and places it at the command of the individual user.

TYPES OF LIBRARIES
National Libraries:- In most countries there is a national or state library or group of libraries maintained by National resources, usually bearing responsibility for publishing and maintaining a national bibliographical information centre.
National libraries strive principally to collect and to preserve the nation’s literature, though they try to be as international in the range of their collections as possible.

UNIVERSITY LIBRARIES
Like the national libraries, there are university libraries general in scope. Some of them can be compared with the greatest national libraries in their collections quality and range.

Public Libraries:- The public libraries as we know it today did not emerge until the mid 19th century, although it had roots in institutions. Public libraries play an indispensable role in the Life of the community. They promote the reading of literature among grown-ups, adolescents and children. They provide familiar information and reference centre, where the modern citizen can secure reliable advice or practical assistance and where he is helped to get his bearings in the complexities of modern community life.
In many cases, public libraries build up collections that relate to local interests, often providing information for local industry and commerce. Not all countries provide public library service of and equally high standard, but there has everywhere been a tendency to recognize their value and to improve services where they exist to introduce them where they do not.

Special Libraries:- The national, university, and public libraries mentioned above form the backbone of the general library system in a country, looking after the needs of scholars and general public. They are supplemented by libraries established to meet the highly specialized requirements of professional or business groups.

School Libraries:- In the countries in which public library legislation exist, public library services are often available to School Libraries. Technical procedures, such as book purchase and processing, are carried out by the local library

Conclusion:- The library is the chief instrument so far perfected for accumulation and using man’s intellectual heritage, the accumulated wisdom of centuries. By learning to depend on letters instead of depending merely on live memory and spoken word, man has vastly increased his effectiveness in preparing youth for adulthood.
Since the Library has been perfected as the principal vehicle for carrying forward and making available the intellectual resources that need to be accumulated for use, this statement means for one thing that formal education at all levels can be conducted more effectively with well-equipped Libraries.

CURRICULUM CHANGE AT LAFOLE
Said O. Faahiye – (College of Education, Lafole)

1.1. Introduction
In this paper I will try to explain how a new college perspective was designed for the college of Education at Lafole, Somali National University. I will also discuss the results of the Seminar on curriculum development and the improvement of the teaching learning process conducted for the curriculum committee of the College of Education. Since the task of the professional Educator is the design of learning systems, depending upon the objectives, the interests and responsibilities of the designers a learning system may be as large as the biggest university or as small as the individual student. Good system design implies the careful specification of requirements and objectives.
Students are not infinitely adaptable and their capacities for learning are limited. It is widely said these days that there is an information explosion and that the student cannot learn all there is to know or even a substantial part of the knowledge in one field. With so much to be learned, the student must depend on greater selectivity in regard to what he learns and greater control over how the material to be learned is presented. The purpose underlying this is the notion of improvising the effectiveness of learning through careful systems design. What the College of Education did was to consider the difference in abilities, backgrounds, and the styles of learning to design the prospectus.

2.1. The College Prospectus
The bulletin prepared by the curriculum committee encompasses a description of all the courses offered by the College of Education. It contains a brief introduction on the functions and the objectives of the college, history of the college, admission requirements, academic standards and general Education requirements.
The College of Education is composed of four divisions: The division of Science and Mathematics, the division of Social Sciences, the division of Education, and the division of languages. The divisions organize the departments, with the departments offering major and minor programs in their respective discipline fields. The division of Science and Mathematics includes the departments of Chemistry, Physics, Biology, Agricultural Science, and Mathematics. The division of Social Science includes the departments of History and Geography, the division of Education comprises the departments of Education, Physical Education, Health and Recreation and Instructional Technology. Students in the College of Education are expected to complete a required core of general Education courses, a major area of study and a minor program of study.
The prospectus; production caused much writing, research, and Scientific discussions on the part of the curriculum committee and went through three phases:
a) Preparation: For three months the department heads with ample assistance from other faculty members worked on revising the old prospectus. It became a dire necessity to extend the duration of the course work and to add more courses and their descriptions. During this period the curriculum committee met many times to resolve incongruencies between descriptions presented by different departments. In these meetings the curriculum discussed the following:
i- Curriculum change possibilities at lafole.
ii- General requirements.
iii- Uniform numbering for different courses, their appropriate titles and descriptions.
iv- Evaluations of different courses and their credits,

b) The Seminar
A Seminar on curriculum development and the different ways in which the teaching learning process could be improved at the College of Education was conducted for the curriculum committee members. The Seminar was conducted for one week (Nov. 26 to Dec 1,1983). The teaching in the seminar was done by Dr. Allan Brandhorst of the University of Southern Carolina. The mission of Dr. Brandhorst was to edit, advice, supervise and coordinate the writing and the production of the college prospectus; and at the same time conduct the Seminar.
Dr. Brandhorst lucidly presented the principles of curriculum development. During the course of the discussions it became apparent that to understand curriculum change it is necessary to understand the human mind. J. P. Guilfords model of the human mind; with contents, processes, and products, was an eye opener when explained by Dr. Brandhorst. Experiments carried by Piaget, Bloom, and other researchers was also examined.
To get the right vantage point we must define curriculum and curriculum change. Curriculum pertains to all the intended learning goals, experiences, teaching materials, and evaluation techniques in which educators plan or use. The three most obvious aspects to consider in curriculum change are:
(1) The subject matter or the curriculum change by task.
(2) Educational level involved.
(3) The teaching learning process.

When we talk about revising the subject matter we are in the realm of the Education program. While Curriculum revision by task happens when a plan is in order. As in our case we asked ourselves the following questions.
1. How can we revise the curriculum so that the students learn more about the Somali culture?
2. How can we change the curriculum so that it will be more useful in the daily community of Somali villages and towns?
3. How can our curriculum be changed so that the College will produce teachers who after teaching in our Secondary Schools will enable the pupils to best meet the needs of the modern world?

By the Educational level it is meant standard of the students who are encompassed by the intended curriculum change.
The other aspect of the curriculum which is to be considered at the advent of curriculum change is the teaching-learning process itself. To explain this three questions will suffice.
The first question is: “What are we going to teach?” The answer defines the objectives, the aims, the goals or the expected outcomes of the curriculum. The second question is: “How can it best be taught?” This defines both the teaching methodology (like lectures, discussions, group projects) and the material and the equipment necessary for applying the methodology (for example, books, laboratory equipment, and workshops). At the third stage we ask: “How well are the students reaching the goals?” This defines the realm of evaluation, assessment or appraisal. All these three steps were considered in the curriculum change at Lafole. New goals, methods, materials and procedures were suggested and evaluated. The participation of the student in the teaching-learning process was emphasized.
To understand the word change in connection with the title of this article it must be understood than two points in time are important here for assessing the change. The first point indicates the condition of the curriculum before the change was launched. (In the case of the college of Education the prospectus was highly compact and needed extension, elaboration, and modernization to be able to produce a contemporary teacher for the modern Secondary School) and the second point the condition of the curriculum after the entire change. The extent of the change is measured by the condition of the curriculum from the first to the second point in time. Another thing is that curriculum changes do not happen in a vacuum but happen in a social context. In our case the desire of the faculty members for change and the blessing of the University Authorities helped a lot.

c) Editing
In this phase of the process of the catalogue design each department was scheduled to work with Dr. Brandhorst for one day. The departments discussed their curriculum, basic objectives of individual courses, and the possibilities of extension of the curriculum.
To these working sessions we invited all the professors (Somali & expatriate) who were conversant with principles of curriculum design and the different disciplines taught at the College. Furthermore at the end of each week the divisions held a common session in which most of the incongruencies were ironed out, some of the conclusions at these meetings were:
1) That each department hold seminars for its faculty members to upgrade the teaching-learning process.
2) That each department write the syllabus of each course identifying the topical outline, objectives, requirements and the bibliographical assignments.
3) The College of Education with the help and approval of the Somali National University is to explore ways of cooperation with other colleges of Education in other countries.
4) That the College develop a system in which textbooks are written for different courses offered at the college. These books are to be viable with Somali culture, environment and resources.
5) That the college work closely with the curriculum development office, the examination board and the teacher training centres of the Ministry of Education to upgrade the Secondary School curriculum, the textbooks and our educational system as a whole.
6) That the “teaching practice” be made an integral part of the college curriculum.
7) That the college develop a system that will enable the college to acquire scientific journals and periodicals.
After evaluating the project it became apparent that the college can work on a project spanning a long time. In retrospect we are of the opinion that the College gained a much needed confidence and experience.

BIBLIOGRAPHY
1. Bloom B. B., Taxonomy of Educational objectives:
1. Cognitive domain, New York: David Mckay, 1956.
2. THOMAS, etal: Strategies for curriculum change: case from 13 Nations: International textbook company, 1968.
3. Brandhorst, Allan:
1- Effective teaching in Science
2- Effective teaching in Geography
3- Effective teaching in History and other materials presented at the Seminar for curriculum development.

REVISED PATTERN OF THE NEW CURRICULUM OF THE FOUR YEAR GRADUATE PRE-SERVICE TEACHER TRAINING PROGRAMME OF STUDIES AT THE COLLEGE OF EDUCATION, LAFOLE, SOMALI NATIONAL UNIVERSITY

COMPULSORY PART:
Common to all Students: core of General Education Requirements:-
I. Ten Professional course offerings in Education
i) Principles of Education
ii) Child Development
iii) Educational Psychology
iv) Teaching Methods and Techniques
v) Measurement and Evaluation
vi) Teaching Practice
vii) Philosophy of Education
viii) Curriculum Development
ix) Guidance and Counselling
x) Educational Administration and Supervision
II. English Language (Five Courses)
i) Intensive English I
ii) Intensive English II
iii) Freshman English
iv) Advanced Composition I
v) Advanced Composition II
III. Audiovisual Education (Three Courses)
IV. Physical Education (Three Courses)
V. Socialism (Three Courses)
VI. Science (One Physical and one Biological)
VII. Arabic (One Course)
VIII. Religion (One Course)
IX. Somali (One Course)
X. Mathematics (One Course)

During this period the College offered 6 to 7 courses in Education (i.e. (i) (ii) (iii) (iv) (v) (vii) (viii) mentioned under I (under the compulsory part in the above table).
3 to 5 courses in English,
3 to – courses in Audiovisual Education
3 to 6 courses in Socialism and
3 to – courses in Physical Education and courses in Major and Minor subjects.

The Revised Pattern of the New Curriculum of the Four-Year Graduate Teacher Pre-Service Teacher Training Programme comes into force with effect from 1985.

OPTIONAL PART:
Combinations of Major and Minor Subjects offered;
Courses in one Major Subject and Minor Subject are to be studied by each student by selecting one of the following combinations:-

Major No. of Courses Minor No. of Courses
1. English 16 Somali 11
2. Arabic/Religion 22 History 8
3. History 18 Geography 9
4. Geography 17 History 8
5. Biology 17 Chemistry 7
6. Agricultural Education Biology 8
7. Chemistry 16 Physics 7
8. Chemistry 16 Mathematics 11
9. Chemistry 16 Biology 8
10. Mathematics 20 Physics 7
11. Mathematics 20 Physical Education 3
12. Physics 18 Mathematics 11
13. Physical Education 32 Health 9
14. Journalism 17 Arabic 10
15. Somali 21 English 1

NOTE: The College of Education (formerly National Teacher Education Center (NTEC)) offered four year graduate Pre-Service Teacher Training Programme from 1968 to 1974 to train Secondary School students to become qualified Secondary School Teachers. In order to meet the urgent need of trained secondary School teachers in Somalia, the College offered Intensive Two year Pre-Service Graduate Teacher Training Programme during the period from 1974 to 1984.

Concept of Muslim Ummah and History
Mohamed Ali (Pakistan)
(Faculty of Education, Lafole)

Who are we, and where do we stand now? What were the causes of our downfall, in politics, economics, socio-religious spheres?
Why our youth is ignorant of its past and, depressed and disappointed about the future? Now-a-days, such questions puzzle the peoples of Moslem lands.
But what can be suggested as a panaca for the ills of Moslim Ummah (Nation)? Before going into the depths of the answer to the question, first, we must consider, whether the peoples, who believe in One Book ‘The Holy Quran’, One God ‘Allah’, and the Prophet, MOHAMMAD (Salalla-huAlahai Wasalam), are to be called a ‘Moslem Ummah’ (Nation) and why? With the start of human-history, i.e. historical periods, Man is called and considered a member of the whole community, with its interests, ideals and modes of life, existing at certain times, irrespective of the distances. Revealed Books and other annals of human-past, also affirm the view that peoples living in the past were always united in the face of challenges; and defended and propagated what was near to the truth, if not exact truth. Clan-worship and tribalism along with mythological philosophies perished long time back. According to the teachings of the greatest historical religious book, the Holy Quran, Man was created out of clay, and the knowledge of the ultimate truth was given to him and he was made on the nature of Islam, but at the same time, he was endowed with a mind and heart; and was made free to meditate and think over the phenomena around him and his own person as well. Then what was the ‘DIN’ (way of life) of Noah, Abraham and of the prophets of Abraham’s lineage (SAW). The answer we find in the holy Quran, says, they were born on the nature of Islam and called Moslems.
In the world of darkness, the last of the prophets came as a saviour for the whole of Universe (RAHMATULIL-ALAMIN).
This was MOHAMMAD (SAW), the most dear and praised one, and a final guide to the whole humanity until the Day of Doom. With additions, he brought the faith and the DIN of his predecessors, Abraham, Moses and Jesus Christ. He was propagating and spreading the same Truth, Islam, the way of the righteous.
During the life-time of the prophet Mohammad (SAW), everything was explained by himself either by deeds or words. Moslem peoples were united and strengthened into one Ummah Nation condemning distinctions of color, race, languages etc. The State was organised and integrated according to the transcedental principles of Islam governing politics, society, economic life, religious obligations and other spheres of life. Reasoning and counselling was allowed to solve the emergent and diversified problems of Moslem peoples in the world at large. All those ideas and values worked properly during the first thirty or so years of the Moslem Nation. But in later periods with the expansion and coming of new peoples into the fold of Islam, little attention was paid to the propagation of Islam, and training of the new-converts in the teachings and injunctions of the Holy Quran and Sunnah.
It is an established fact that in the fall of great empires and peoples, the ‘Persons’ of palaces, princes and emperors, always played an important role. The person of emperor Nero was not the only responsible, in the fall of the Romans, but yet he contributed in that process of fall. The same is true of the Moslem Ummah; Men of intellect and responsibility misled the Moslem people. Selfishness, rivalry and greed of power made the Moslem Nation disunited and resultantly, there were crackings in the body-politic of the Moslem Nation; Thus it was divided into a lot of sects and groups. In the long period of discord and disagreement, many reformers, jurisprudents and traditionists came to the rescue of the Nation, but they were misunderstood. In our times, we often hear the names of Imam Hunbal, Imam Shafi, Imam Abu Hanifa and Iman Malik, and Imam Jafar (a decendent of our prophet), and a lot of others. These people of knowledge and reason, were simple Moslems and they just tried to be called true and devout Moslems, adhering the way of God the Sunnah of His Prophet. But soon after their deaths, peoples followed them, instead of the Sunnah of Prophet and the Holy Quran, and even regimented themselves into adamant school of thoughts, although it was not the purpose of these Imams. They laboured and bore hardships to lead the Moslem masses out of the mess and enlighten them with their scholarship.

Alas! We are far away from their expectations and are in the grip of darkness. Moslem Ummah is divided into small entities of color, race, language and of materialistic interests. Also, the non-Moslem powers are in a better position to jeopardise the Moslem Nation. In such circumstances, the only saviour is the Book of Allah, Al-Quran and the Sunnah of his Prophet!

“Today I have completed for you your religion; my bounty and grace have been conferred upon you conclusively; and I am pleased that your religion shall henceforth be ISLAM.”

AL-QURAN.

FAREWELL OH BEAUTIFUL SOMALIA
S.C. SINHA
ITEC EXPERT (INDIA)
(SNU Library)

I have come from India,
I stayed in Somalia,
Somalia is full of trees,
It presents a good scenery,
Here there is absolutely no confusion,
Cool breeze comes from Indian Ocean,
Days are generally warming,
And nights, are always charming
I adore you very much Somalia,
Farewell Oh! Beautiful Somalia.

Somali girls are always shy.
But they have beautiful eyes,
Somali men are by and large humanitarian
They are God-fearing and are full of fun,
You are so fascinating Oh! Somalia,
But I am shortly leaving for India.
Farewell Oh! Beautiful SOMALIA!

I came here as an Indian Expert,
I worked with you to my best,
Working on two years deputation,
Getting full and complete satisfaction!
Stayed in Somalia without my family
But sometimes I felt quite lonely!
But Somalis are very very friendly
They treated me very gently and honourably!
I admire you very much SOMALIA!
But could not forget my own INDIA!
Farewell Oh Beautiful SOMALIA!

Somalis are generally quite intelligent,
Somalis are cultural and National Conscious
Both are essential for National Development!
They do not maintain hierarchy status.
As they believe in complete equality,
And always live in complete fraternity!

Dipartimento Stampa e Pubblicazione
dell’UNIVERSITA’ N. SOMALA

Aan Ooyee Albaabka ii Xidha

AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA
Daabacaaddii 1aad
Maxamed Xirsi Guuleed (Cabdi-Bashiir)

NALA SOO XIDHIIDH
Qofkii dalbanaya buuggan ama haya wax talo ama tusaale ah oo ku saabsan, wuxuu nagala soo xidhiidhi karaa cinwaanada hoos ku qoran:
abdibashir@hotmail.com
www.somalibooks.org

Xuquuqda buuggan oo dhan waxay u dhawran tahay qoraaga, lama daabacan karo idan la’aan.

©Abdibashir
Stockholm, Sweden
2012
somalibooks.org publications

ISBN: 978-91-976661-5-7

TUSMADA BUUGGA
GOGOLDHIG
MAHADNAQ
AFEEF
MUSIIBADII GUMAYSIGA SIDEE LOO MAAREEYEY
DEECAAMINTA BUUGGA
SHEEKH AXMED WACDIYOW (GABYOW)
Raajulka kaafur ah
Soomali ayaan u dagaallamaynaa
MAWQIFKII SAYIDKA IYO MEESHII UU KU DAMBEEYEY (1898-1920)
Nin Aqdaamo Faranji ah (Masafo)
Wallee Saamax Baan Jirin (Gabay)
Hoga-tusaalayntii bulsho ee Sayidka
DARDAARANKII SAYIDKA (GABAY)
Muxuu Rabay Sayidku?
MURUGTEY LAABTIIYE (Faarax Cismaan Kowte)
WAA DUNI LA KALA IIBSADAY (Faarax Nuur 1920-naadkii)
HABAAR TALYAANI (Guuleed Jucfe Warsame 1920-nadii)
QOONSADA HALKAA (Xad-beenaadka)
DALKAYAGA ILAAH KAA KEXEE (Talyaani 1940)
MAR KU ROGA (Cabdi-Dhukane)
MAXAA IIGA GIDHIISH AH (M. Nuur-Laangadhe)
RAQDII SHEEKH BASHIIR (X. A. Afqallooc 1948)
SULDAD XABASHIYEED (Ma Hadho)
GUUBAABADII
YUUSUF XAAJI AADAN QABILLE
Dagaal nimuu haysto meel halisa
Hub samayso Soomaaliyeey
Gobannimo intay laalan tahay
WAAN IRDHAYS-NAHAY (Gabaygii Fiinta)
TAA MIYAAN LA ARKAYN? (Cali Xuseen Xirsi)
MAANYARIDU SOOMAALI WAA ISTAAGEERID LAGA WAA (Keenadiid)
AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA (Barkhadcas)
AFGARAN-WAAGU WAA GUMAYSIGA
Geesiga Madow (Timacadde)
Nidarray Xaylow (Timacadde)
INGIRIIS RAGGUU LAAYEY (Ibraahim-Gadhle)
GALANGAL (Hadraawi)
GABADH MADOW (Hadraawi)
YABOOHIN HALYEY IYO HIMILOOYIN FOG
QAYBSHEYAAL IYO MIDEEYEYAAL
TIXRAACYO

GOGOLDHIG
Inta aanan u gudagelin nuxurka buugga aan ka hor mariyo dhowr hadal oo lagama maarmaan ah.

MAHAD NAQ
Mahad dhammaanteed waxay u sugnaatay, una suubbatay Allaha Weyn. Alle dabadii waxan u mahadnaqayaa cid kasta oo gacan ka geysatay buuggan aad akhriyeyso hadda. Waxa ka mid ah dadkaas: kuwa qoray buugaagta aan tixraacay, kuwa duubay cajaladaha aan wax ka soo guuriyey, kuwa qoray bogagga internetka ee aan wax badan ka faa’iday iyo dabcan dad badan oo siyaabo kala geddisan gacan ii siiyey, ha noqdo qof igu taageeray suugaan, mid iga saxay higgaad, mid ila macneeyey ereyo adag iyo mid i siiyey talo kale oo ku saabsan hirgelinta buuggan.
Waxaan si gaar ah u xusayaa Dktr Saadiq Enow, Maxamed Baashe Xaaji Xasan iyo Abwaan Axmed Aw Geeddi.

AFEEF
Waxan ka afeefanayaa in aanan halkan ku soo wada gudbin suugaantii laga tiriyey gumaysiga, xilligii gumaystayaashu joogeen. Waxan rumaysnahay oo aan hubaa in ay marar badan ku laba jibbaarmayso suugaanta iga maqani, tan aan halkan ku ururiyey. Intani waa iga dadaal oo waxba iskama aan hagran. Laakiin haddii aad taqaanno ama wax suugaan ah ka hayso abwaan aanan halkan ku xusin oo kula diriray suugaantiisa gumaystayaashii, waxan kaa codsanayaa in aad i soo gaadhsiiso.
Waxa kale oo aan ka afeefanayaa in aanan halkan ku wada xusi karin dadkii si uun gacan ii siiyey ee faraha badnaa. Waxan leeyahay Alle ha idinka abaal mariyo wixii aad samo i tarteen.
Maxamed Xirsi Guuleed (Cabdi-Bashiir)

HORDHAC
Akhristaha sharafta lehow, waxad gacanta ku haysa buugyare isugu jira taariikh, suugaan, luqad iyo siyaasad. Kolba sidii aad u akhrido ayuu kuu noqon karaa.
Xagga suugaanta waa buug lagu ururiyey maansooyin la tiriyey wakhtiyo kala duwan, oo ay kala tiriyeen abwaanno kala duwan oo ka soo kala jeeday deegaanno kala duwan. Ka soo bilow Sheekh Axmed Gabyow (Wacdiyow) oo dhammaadkii 1800-ladii ku noolaa gobolka Shabeellada Dhexe ee Soomaaliya, ilaa aad ka soo gaadhayso Maxamed lsmaaciil Baasarce (Barkhadcas) oo 1960kii wax yar ka hor ciil la hoos fadhiyey dhirta caleenta badan ee magaalada Hargeysa. Labadaa dhexdoodana waxa quban magacyo ku xeeldheeraa farshaxanka suugaanta oo haddii aan laga wada aqoon geyiga dhan, si weyn looga yaqaannay deegaannada qaarkood. Tusaale waxa inoo noqon kara Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo ka caansan in laguu tilmaamo, Xaaji Aadan Afqallooc, Muxumed Aw Cabdi Xaashi, Cali Xuseen Xirsi, Faarax Cismaan Kowte, Cismaan Yuusuf Keenadiid, Yuusuf Xaaji Aadan, Cabdi-Dhukane, Cali-Tuur, Cabdillaahi Suldaan Timacadde, Guuleed Jucfe, Maxamed Nuur-Laangadhe, Ibraahin Gadhle iyo qaar kale oo badan.
Xagga taariikh ahaanta haddii la fiiriyo, wuxu buuggu isku koobayaa wakhti cayiman duruufihii jiray iyo wixii suugaanyahanku ka yidhaahdeen. Waa muddadii reer-Yurub iyo xulafadoodu ay gumaysanayeen umadda Soomaaliyeed ee Ilaahay dhulka u waasiciyey. Ka soo bilow markii la qabsaday bogcaddii ugu horraysay oo ku beegnayd dhammaadkii 1880 iyo markii ay xorowday meeshii xorriyad qaadata ee ugu dambaysay oo Jabuuti ah 1977. Waa muddo 90 sano ah qiyaastii. Dabcan qaybo badan oo dhulkii Soomaalida ah ayaan weli helin xorriyad buuxda oo aan looga sarrayn aayo ka talintooda.
Gumaystayaashu waxay Soomaalida u kala qaybsadeen shan qaybood oo kala ahaa Jabbuuti (French Somaliland), Soomaalilaan (British Somaliland), Koonfur (Italian Somaliland), En.Ef.Dhii (Kenyan Somaliland oo Ingiriis gumaysanayey) iyo Soomaali Galbeed (Hawdka, Reserved Area iyo Ogaadeen). Sida kuu muuqata waxa kala qaybsaday saddex dal oo reer-Yurub ah iyo Itoobiya oo la siiyey qaybtii ugu ballaadhnayd dhulka Soomaalida. Dhulka Soomaali Galbeed qaybtiisa Ogaadeen, waxay Ingiriiska iyo Itoobiya kala saxeexdeen 1897. Waxayna jeexeen xuduudka 1931. Laakiin heshiisyo badan oo dhacay wixii ka dambeeyey 1941 ilaa 1954 ayaa xitaa Hawd iyo Reserved Area loogu wareejiyey Itoobiya. Qaybtii Faransiisku waxa ay xorowday 1977, qaybtii Waqooyi Galbeed ee uu Ingiriisku haystayna waxay xorowday 26 Juun 1960, qaybtii Talyaanigu haystay waxay xorowday 1 Luulyo 1960, qaybtii Itoobiya weli waxay ku hoos jirtaa xukunka Itoobiya, qaybtii En.Ef.Dhii-na waxaa la hoos geeyey dawladda Keenya oo adduunka ku soo biirtay isticmaarkii kadib.

Taas macneheedu waxa weeye in shantii qaybood ee dhulka Soomaalida loo qaybiyey ay xorriyad heleen saddex qaybood halka labo ay weli ku hoos jiraan xukun shisheeye oo aanay weli ikhtiyaar buuxa u lahayn aayo ka talintooda qusaysa wixii aanay rabin umadaha ay ku hoos jiraan.
Saddexdii qaybood ee xoroobay, laba ayaa bilowgiiba midoobay oo la baxay magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana saldhig u ahaa midnimadaas in saddexda qaybood ee kalena la xoreeyo oo lagu soo biiriyo midnimo Soomaaliyeed oo buuxda. Laakiin iska daa in la gaadho riyadii midnimada Soomaali Weyn ee, labadii is raacday ayaa markiiba kala booday. Qaybtii saddexaad ee Jabuuti ayadu gaar ayey isu taagtay ayada oo aan waddan magac Soomaalinimo balse ah, dal madax bannaan oo aan u gaar ahayn Soomaali ee ah mid jinsiyado badan oo lagaga hadlo ilaa afar luqadood oo siman.
Haddaba wuxuu buuggu xoogga saarayaa wixii ka dambeeyey muddada gumaysigu yimid, dhibkii yimid iyo sida abwaannadu u cabbireen dhibkaas iyo weliba sidii ay xalka u arkayeen. Waxa si weyn loo xusayaa dadkii ka gilgilshay gumaysiga iyo kuwii jaalka la noqday si ay manaafacaad yar u helaan. Dhammaan abwaannada aan xusi doonaa waxay u soo joogeen Soomaali idilkeed oo la gumaysto, waanay wada dhinteen. Laakiin hal abwaan oo ka mid ah ayaa intii gumaysigu tegay, suugaantiisu hana qaadday ilaa haddana weli nool. Laakiin qiimo gaar ah oo ay suugaantiisu leedahay darteed ayaan ugu daray suugaanyahankii hore. Abwaankaasi waa Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) oo aan u aqoonsanahay shakhsi dadkii hore qiimaha badnaa inagala jooga.
Xagga luqad ahaanta, waxa halkan ku urursan maansooyin kala nooc ah, gabayo, geeraarro, heello, masafo iyo jiiftooyin kala duwan. Maansadu waa marjaca ama tixraaca ugu muhiimsan ee luqadda Soomaaliga. Maansooyinkan waxa la tiriyey xilli aannu weli fasaqmin afka Soomaaligu. Markaa waxa buuggan loo isticmaali karaa tixraac xagga ereyada ah iyo aqoon-afeedka noocyadiisa kaleba.
Xagga siyaasad ahaanta, waxa la odhan karaa maansooyinku dhammaantood waxay ku saabsan yihiin siyaasad ka turjumaysa madaxbannaani u-dood, gumaysi-diid, guubaabo iyo tusaalaynta jidka toosan, ka-digidda shirqoollada shisheeyaha, ceebaynta dabadhilifka iyo dabadhilifnimada.

MUSIIBADII GUMAYSIGA SIDEE LOO MAAREEYEY
Gumaysashadii Soomaalida iyo kala-qaybsigii dhulkoodu ma ahayn mid ayaga lagala tashaday iyo mid lagu saleeyey danahooda toona. Dabcan taas waxaa la qabay dhammaan waddamada Afrika oo loogu tashaday shir ka dhacay magaalada Barliin ee carriga Jarmalka 1884-1885, halkaas oo lagu sameeyey xuduudaha Afrika oo sida xaqiiqda ah ahaa xuduudo ay kala dhigteen waddamadii reer-Yurub ee qaybsanayey qaaradda Afrika.

Markii aan garaaddaha
taariikhda kala guray
illaa gogol-dhiggiinnii
galabtaad is-wacateen
taladana in lay galo
Baarliin ku goyseen
Ilaa gooshkan maanta ah
hadimada i gaadhiyo
waxaad geysateen baan
gocashada xasuustee
maxaan reer-Galbeedow
godobkaa tirsanayaa?
– Hadraawi

Waxba yaan lala tashan Soomaalida laakiin gumaystayaashu waxay iska soo hor mariyeen sahan ay ku ogaanayaan dhaqanka Soomaalida, meelaha ay ka jilicsan yihiin, baahidooda, meelaha ay isku khilaafsan yihiin iyo waxyaalaha midayn kara. Markii ay fahmeen goljilicdii umadda Soomaaliyeed ayey soo galeen.
Gumaystayaashu waxa ay ka sinnaayeen in ay kala xadaan dadka. Waxay adeegsan jireen dad ay u madax-buuxiyaan oo badiyaaba ah kuwa bulshadu qaddariso sida oday-dhaqameedyo iyo culimaa’udiin. Waxa kale oo ay aad u adeegsan jireen farsamada loo yaqaan “qaybi oo xukun.”
Oday-dhaqameedyada waxay dadku ku aamminsanaayeen dhinaca masaalixda adduunyo, halka culimada lagu aamminay masaalixdii dhinaca aakhiro. Arrintaas waa ay fahmeen gumaystayaashu, mana ay la hadli jirin cid ilaa ay iska horraysiiyaan culimo iyo odayaal. Taasi bilawgii iyo mar dambeba wax weyn ayey u sahashay gumaystayaasha. Hase ahaatee bulsho weynta marna kamay dhaadhicin inay gumaystayaashu maslaxo Soomaaliyeed iyo mid Islaam toona wadi karaan. Waatii uu Faarax Nuur lahaa isaga oo abhinaya odayaasha u dan qumminaya gumaystaha:

Nimanyahow bal daya xaajada, lala aguugaayo
Odayaashan loo yeedhay ee, la anfac siinaayo
Asaxaabihii bayna yidhi, gaal ha aaminine
Haddaad niman Islaamiyo tihiin, Aadan faraciisa
Oo aydaan Ilaahay ka go’in, hayna oodina’e
– Faarax Nuur

Sidoo kale waxa culimadii leexatay la hadlay abwaanno badan, sida Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo yidhi:

Awgii Siyaarada lahaa, selel hadduu qaaday
Oo ay sahwiday culimadii, saxal-mariikhowday
Saxariirka aakhiro hadday sax u ogaan wayday
Saqiir iyo kabiir waxa la geyn, Saqara naareede

Xaaji Aadan Afqalloocna waatii uu lahaa:

Af-dalleela iyo baad shubtaan diin la iibsado.

Dhinaca kale Muxumed Aw Cabdi Xaashi ayaa meel fog ka saadaalinayey cawaaqib xumada ka dhalan karta falalka gumaystaha. Waxa aan caad yari ka saarnayn haddii laba cadow ka tashadaan aayahaaga in aanay nasteexo ka soo socon. Wuxuu yidhi isaga oo ka qiiraysan markii xuduudka la samaynayey:

Qoof weeye laba gaal hadday, talo qorsheeyaane
Qoonsada halkaa waxa ku jira, qabar laxaad weyne
– Muxumed Aw Cabdi Xaashi

Waxa sidaa si la mid ah u hadlay Faarax Nuur oo la yaabbanaa siday shisheeyuhu isugu dirirsan yihiin kala qaybsiga dhulka Soomaalida iyo sida qaarkeen ugu kala beretamayaan u hawl-fududaynta cadowga, ayaga oo u xilanaya dheefo yaryar. Wuxuu yidhi:

Ingiriis Axmaariyo Talyaani, wey akeekimiye
Arligaa la kala boobayaa, nin u itaal roone
Anse ila ah aakhiru sabaan, iligyadiisiiye
– Faarax Nuur

Dib aynu u yara noqonno ee, waxa judhii horeba bilaabmay kacdoono gumaysi-diid ah oo midabo diineed lahaa. Dhammaan gobolladii gumaystayaashu yimaaddeen waa lagula diriray. Waxaana loola diriray hab diini ah oo jihaad ku sifaysnaa. Wax iska caabbintii Jubbada Hoose, culimadii beesha Biyamaal, xertii Sheekh Axmed Gabyow (Wacdiyow), Daraawiishtii Sayidka, Kacdoonkii Sheekh Xasan Barsame iyo jihaadkii Sheekh Bashiir ee beryo dambe oogmay ayaa la xusi karaa.
Laakiin dhammaan kacdoonadii diiniga ahaa ee umadda Soomaaliyeed ka dhex abaabulmay si xun ayaa loo burburiyey. Maxaa yeelay ujeedooyinka gumaysigu u yimid waxa ka mid ahaa in la curyaamiyo diinta Islaamka. Waxa beryahaas dardar ku socday qorshihii lagu burburinayey Khilaafadii Islaamka ee gabaabsiga sii ahayd. Qorshayaasha gumaystayaasha ee burburinta Islaamka waxa ka mid ahaa:
1. In aan la aqbalin adduunkana laga ilaaliyo nadaam meel ka jira oo shareecada Islaamka ku shaqeeya
2. In aan la aqbalin, adduunkana laga ilaaliyo ciidan leh hab-dhaqan iyo yoolal Islaami ah
3. In la kala qaybqaybiyo Muslimiinta oo inay midoobaan iska daaye lagu dadaalo sii qurbidda kuwa kala qaybsan
4. In dharabta lagu khaarajiyo cid kasta oo u dhaqdhaqaaqda soo-noolaynta Khilaafadii Islaamka, kuwaasi ha ahaadeen ashkhaas ama ururo ee.

Qorshayaashaas oo jiray ayey wadaaddo Soomaaliyeed oo aan isku xidhnayni ka abaabuleen meelo badan dagaallo lagaga hortagayey gumaystayaasha. Dabadeed si arxan darro ah ayaa meel walba loogula dagaallamay, ilaa kacdoon walba la dhiciseeyey. Kacdoonka ugu cimriga dheeraa wuxu ahaa kii Daraawiishta ee uu hoggaaminayey Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo 25 sano socday. Isagiina si aan naxariis lahayn ayaa looga adkaaday, ayada oo loo adeegsaday dayaarado dagaal oo ah kuwii ugu horreeyey ee lagu duqeeyo meel Afrika ka mid ah. Malleeshiyaad Soomaali ah oo siyaabo kala geddisan lagu dagaal geliyey laakiin garab iyo gaashanba u ahaa gumaystayaasha, ayaa iyaguna dhabarka ka wareemay. Culimo iyo oday-dhaqameedyo gumaystuhu xannaanayn jiray ayaa iyaguna ka caawinayey dhinaca diyaacadda iyo sumcad dilka. Taas macneheedu ma aha in aan leeyahay Sayidka iyo Daraawiishtu waxay ahaayeen ceeb ka saliim aan khaladaad lahayn.
Jabkaa Daraawiishta gaadhay, waxa ka horreeyey jab ruuxeed oo Soomaali oo dhan gaadhay. Soomaalidu waa ay is wada nacday waagaas. Arrintaasna waxa ka shaqeeyey gumaysteyaasha. Jabkii Sayidka badiyaaba lagama nixin, maxaa yeelay dadka waxa la gaadhsiiyay heer loo tusay in cadowgooda koowaad yahay nin Soomaali ah. Waxay dad badani nasteex u arkayeen gumaystayaashii.

Laakiin markii Daraawiishtu jabtay ee la waayey wax Soomaali ah oo cadowga cabsi geliya, ayuu cadaadiskii ugu badnaa ku bilawday Soomaali oo dhan, xitaa kuwii la shaqayn jiray gumaysteyaasha. Kadeedkii waa la xammili waayey laakiin waxa wadno loo waayey laba arrimood oo kala ah: dagaal hub loo qaato iyo magac diineed oo lagula diriro gumaystayaashii iyaguba gaalaysiinta ka waday geyiga. Maxaa yeelay, waxa dhegaha dadka ka sii qaylinayey dhirbaaxooyinkii kul-kululaa ee kacdoomadii culimada ee kala danbeeyey gaadhay.
Markaas waxa bilawday dhaqdhaqaaq gobannimo-doon ah oo ay badiyaaba horseed ka ahaayeen ardaydii uu gumaystuhu wax baray. Halbeegoodu wuxuu ahaa Soomaalinimo iyo xorriyad. Laakiin magac diineed kuma ay hawl-gelin, waxaanad mooddaa in ay fahmeen in aanu cadowgu u tudhi doonin haddii laga dareemo Islaam u-dirirnimo. Markii hore ash-khaas ayaa halganka astaan u ahaa, markii dambe se waxa samaysmay ururo gobannimo u-dirir ah oo la jaan qaadayey dabaylihii xorriyad doonka ee adduunka kale ka jiray. Dhaqdhaqaaqyadaasi waxay abuureen dareen xooggan oo qowmi ah, kuna salaysnaa in Soomaalida oo dhami xorowdo oo dawlad mid ah dhisato. Gumaystayaashu may rabin dareenkaa qoomiyadeed ee xoogaysanayey. Markaa waxay ka shaqeeyeen gumaysteyaashu sidii xorriyadda la dalbayo looga ilaalin lahaa Islaamiyiin iyo waddaniyiin dhab ah. Waxa si tartiib tartiib ah xilka loogu diyaariyey karraaniyaashii iyo waardiyeyaashii gumaystaha.

Qaar ka mid ah indheer garadka Soomaaliyeed waa ay fahansanaayeen luggooyada meesha ka soo socota. Yuusuf Cismaan Keenadiid ayaa 1956 cabbiray sida xaalku ula muuqday. Wuxuu yidhi:

Tafaraaruqa kuwaas inagu ridey, toodi suubsade’e
Taws aan baxayn iyo bugtey, nagu tallaaleene
Tubtii innaga leexshiyo jidkii, inagu toosnaaye
Tashigiiba sida loo gafaan, weli tebaayaaye
Towfiiq ma noqon wiilashii, taajka loo suraye
Tacaddi aan yareyn baa ka dhacay, tey ku kacayeene
Ninkii tira-yar maalkiisa waa, laga takooraaye
Mareekaanka nagu taagan baa, taabey jahadiiye
Amxaarana tahdiid iyo waxay, tiri naloo sheegye
Cadowga soo tartamayiyo cabsida, loo tawaley ruuxa
Laye tamashle uun bey hayaan, tiilka madaxdiiye
Dawladnimo tabtaa lagu dhaqaa, tacaddi sow maaha.
– Cismaan Yuusuf Keenadiid

Aakhirkii waxa si nasiib ah xorriyad loo siiyey gobolladii Ingiriisku gumaysan jiray iyo kuwii Talyaanigu gumaysan jiray. Si halhaleel ah ayey u midoobeen, uguna hawlgaleen sidii loo heli lahaa shanta Soomaaliyeed oo wada xorooba, dabadeedna midooba. Isla wakhtiyadaas waxa bilawday dadaallo caalami ah oo lagu beenaynayo riyada Soomaali Weyn ilaa aakhirkii lagu guulaystay in xitaa qaybihii nasiibka ku xoroobay loo celiyo qabaa’il is neceb oo cadowgooda koowaad u yaqaanna nin Soomaali ah.

Fashilka ugu weyn ee ku yimid gobannimadii la helay, waa ayada oo u gacan-gashay dadkii uu soo tabobartay gumaystuhu oo siyaasadda ka yaqaannay sida loo maamulo ummad la gumaysanayo. Farxaddii iyo raynrayntii lagu soo dhaweeyey xorriyadda, markiiba way gaagaxday. Waxa taas sida qorraxda u caddaynaya suugaantii la tiriyey sannadadii ka dambeeyey 1960kii. Bal u fiirso Guhaad Cabdi-Gahayr oo markiiba fahmay in aan meesha xorriyad la heline, ay is bedeleen uun nin cad iyo nin madow, laakiin fikirka iyo dhaqanku isku midkii uun yahay weli:

Good iyo abees bays bedelay, garanna maysaane
Goraygii ilmii buu ka tegay, guumiska ahaaye
Gocondhooyin baa aasan iyo, mid gabaarrey
Karal kaama guurine halkanuu guud madow yahay.
– Guhaad Cabdi-Gahayr, 1960

Waxa sidaas si la mid ah u cabbiray Abwaan Qaasim oo isagu markii hore u damaashaaday xorriyad la-mooddii la helay. Wuxuu yidhi:

Dambi ku hadli maayee ma arag, dawladdaan rabaye
Isma doorin gaalkaan diriyo, daarta kii galaye
Dusha midabka Soomaali baad, dugulka moodaaye
Misna laguma diirsade qalbigu, waa dirkii Karal e
Meeshaan dad aan urursho iyo, darar ka eegaynay
Iyaba waa darxumo ii hor lehe, dacar miyaan leefay?
Ma darraato raadkaan dhigaan, dib ugu soo laabtay?
Sidii aan dayaysnahay miyaan, dawgii ka habaabay?
– Axmed Ismaadil Diiriye (Qaasim)

Cabdillaahi Suldaan Timacadde ayaa isaguna saadaal ka bixiyey dhibta kasoo socota kusii-xidhnaanta iyo jaal la-noqoshada gumaystayaasha isaga oo caddeeyey in aanay wax horumar ah la rabin dadka Afrikaanka ah. Wuxuu yidhi:

Geesiga madow uma ogola, guusha reer-Yurube
Geerida Lamuumbaa wadnuhu, noo gig leeyahaye
Geyigiisa goortuu qabtee, gees isugu leexshay
Iga guura galabtuu yidhaa, geeddan loo xidhaye
Godka waxa u qoday Haamarshool1, waa gedduu rabaye
Maantaba hadday gawraceen, way gam’ahayaane
Meeshuu galaba doollaarku waa, uu gembiyayaaye
Ninkii dunida kala gaabiyaa, garabsanaysaane
Raggan gacanta haystoow wallee, saad-dambaad garane
Qudheennani intaynaan geb odhan, yeyna kala gaadha
Haddii kale se goor aan fogayn, gawda bal aan eegno
– Cabdillaahi Suldaan Timacadde, 1961

Maxamed Nuur-Laangadhe oo ah abwaanka tiriyey geerarka la magac baxay Maxaa Iiga Gidhiisha, ayaa isaguna ka cabanaya sida uu ugu hungoobay calanka la belay. Wuxuu yidhi:

Calanyahow dhib baa igaga timi dhalashadaadiiye
Dheef baa lagaa eegayee, dhiig sidaad tahaye.
– Maxamed Nuur-Laangadhe, 1963

1. Hamarshool: Waa Dag Hammarskjold ahaa nin Iswiidhish ah oo xukumayey UN-ka (Qaramada Midoobey) min 1953 ilaa markii la khaarajiyey oo ahayd 1961. Wuxuu Timacadde qabaa in uu lug ku lahaa dilkii foosha xumaa ee Batriis Lumumba.

Mar kale waxa xus mudan Guhaad Cabdi-Gahayr oo rajo ka qabay in hoggaan fiican oo wadani ah la helo, oo markii Aadan-Cadde la bedelay, arkay in aan waxba is-bedelin. Wuxuu yidhi:

Kanna aragte kii horena waad, wada ogeydeene
Miyaan madax Ilaahay taqaan, nooba imanaynin?
– Guhaad Cabdi-Gahayr, 1967

Intaasi waa garooc yar oo ku saabsan dareenkii abwaannadu ka muujiyeen xorriyaddii dhicisowday ee Soomaalidu ka heshay cadowgii siddeetanka sano gumaysanayey. Xorriyaddaas dhicisowday iyo halgankii dheeraa ee loo galay heliddeeda iyo xanuunkii laga mutay gumaysiga waxaad igala dheehataan buuggan. Weliba si aydaan ugu hafan badweynta soo socota ila sii deecaamiya googoosyo ka mid ah suugaanta aad kula kulmi doontaan gudaha buugga.

DEECAAMINTA BUUGGA
(1)
Bal Oggow Isticmaarku Abidkii
Irridkuu Marinaayo Awr Raran
Irbad buu Ku Dayaa Ayaanta Horee
Raggaan Arkayee U Abasaxayow
Ninowna Ha Odhan Soomaalaan Ahee
Ordoo Magacana Ka Iibsada.
– Barkhadcas, 1958

(2)
Gambadii dumarkaa la ii guntiyoo
Gabbal baa iigu dhacay gasiirad cidloo
Gabaahiiri waa gumaysiga
– Barkhadcas

(3)
Rajulka kaafur ah ee rugtaan yimid
Sidii rasuul Rabbi nooma soo dirin.
Mana rabnoo naga reed bax waa niri
Haddaadse ruux la dagaasho kaa roon
Reerkaad u kaashan laheydne raagaan
Ragoow haddee qalbi waa rafaadaa.
– Sheekh Axmed Gabyow, 1891

(4)
Waa duni la kala iibsadoon, nala ogeysiine
Waa duni akhyaartii go’dayoo, aaran soo hadhaye
Waa duni ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye
Anse ila ah aakhiro sabaan, iligyadiisiiye
– Faarax Nuur, 1920naadkii

(5)
Ingiriis ragguu laayey baan, cidi illaaweyne
Axmad-Gura unuunkay jareen, ehel ha waayaane
Oomaarna waad wada ogtihiin, uubtii loo qodaye
Sayidkii addoonsiga nebcaa, aakhiro u tabiye
Waa kuwii Cadhoolana2 ajalay, calankan awgiiye
Halyeygii Bashiir bay dharaar, adhaxda gooyeene.
– Ibraahin Gadhle

(6)
Doodna waxaan u leeyahay, da’kastaba ha noqotee
Kuwii diinta qariyow, idinkays dilaayoo
Nin dalkiisii iibsaday, dulli buu ku waariye
Ninkii gaalka dabagala darxumow dambaynoo
Naftu hadday ka duushana, dalku waysu diidiye.
– Sayid Maxamed Cabdille Xasan, bilowgii 1900

2. Cadhoole: Waa Cabdiraxmaan Cadhoole oo kamid ahaa
halgamayaashii aqoonyahanka ahaa ee loo unuun-jaray gobannimo doonka, gaar ahaan dhinaca Jabuuti. Si naxariis darro ah oo cadaawad miidhan ah ayey gumaysiga Faransiisku u dileen Cabdiraxmaan Cadhoole. Arrintaasi waxay ku reebtay shacabka reer-Jabuuti uur-kutaallo iyo halgan adag oo ay u sii galaan xorriyaddooda. Fiiri qormada Cabdalla Xaaji ee halgankii Jabuuti.

(7)
Dawo lagama helo gaal haddaad, daawo dhigataane
Dabin buu idiin qoolayaa, way din dagayaaye
Dirhamkuu idiin quba-hayaad, dib u go’aysaane
Marka hore dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye
Marka xiga dushuu idinka rari, sida dameeraaye
Marka xiga dalkuu idinku odhan duunyo dhaafsada e
Marka xigana daabaqad ayuu, idin dareensiine
Maxaad igaga digataan berruu siin3 la soo degiye.
– Sayid Maxamed Cabdille Xasan

(8)
Waxay tidhi “Inkaar buu ku go’ay, odagi Soomaale
Awlaaddi uu dhalayna waa, sida adoogoode
Hadday ul iyo diirkeed yihiin, rag iska eegaaya
Afrikadan ma joogeen nimaan, aabbe ku lahayne.
– Cali Xuseen Xirsi, 1950naadkii

(9)
Siduu abeeso dilaayo,
ragguu laayey Abeelle4
ce la dhacaayey Alwaaxa
ce Afka dhiiggu da’aayiyo
agoontii yaryaraydee
aabbihii korinaayey
uu ka gooyey unuunkan
Miyaan taa la arkaynin?
– Cali Xuseen Xirsi

Siin: Waa qalabka war-isgaadhsiinta ama war lalinta qaarkood.
Abeelle: Waa magac nin Talyaani ahaa oo gumayste ahaa.

(10)
Gobannimo mid weeyee hadduu, meero xariggeedu
Misbaaxiyo haddey kaa demaan, muunaddiyo nuurku
Gacmo maran mugdaa kuu xigiyo, meel xilliyo hooge
Dawladnimo nimaan maalahayn, laga mid roonaaye
Mulki iyo awood iyo waqii, malaha maamuuse
Mucsir weeye maalmaha adduun, magan ha loo yaabo
– Faarax Cismaan Kowte, 1920naadkii

(11)
Dunjiga Aadan ubadkuu dhalaad, ugu dambaysane
Wixii aad ku dacafteen, qalbigu saw iskama daayo
Dib maxaa idiin celinayoo, hore idiin diiday
Mar uun maad ku dayataan khalqiga, libinta doonaaya.
– Xaaji Aadan Afqallooc

(12)
Gobanimo dalleel lagama helo, daar adoo gala’e
Haddaad doono leedahay naftaa, diiq la geliyaaye
Waa mur iyo deebaaq waxaad, dib ugu aydaane
Marse haddaan waxaan doonayiyo, dawladnimo waayey
Dantay weeye inan aamusaa, eegga dabadeede
Dulligaa ku jira noloshu waa, idinku deelqaafe.
– Xaaji Aadan Afqallooc, 1940naadkii

(13)
Kun baa subax disheen aamin ah, oo seexdey oo kacay
Saddex boqol ka badan culimadii, suuqa Harar tiille
Iyaga oo salaad jamac galaad, seefku mariseene
Saqda laylka dhaxe waxaad gasheen soolkii Dhagax-buur e
Samada iyo dhulkaba ciidankii, riday sawaariiqda
Kama seydhin ruux keliya oo, joogay subaxaase.
– Xaaji Aadan Afqallooc

(14)
Samir iyo Allow maleh sidaad, noola dhaqanteene
Waa ma hadho saanqaadka kora, lala sugaayaaye
Dhiig saafiyaa loogu qoray, saan biciid adage
Duq kastaaba sabiguu dhaluu, saa ogow yidhiye
Gartayadu xuduud kuma sinna iyo, soohdin iyo jaare
Waa saamigaad qaadateen, sabankii Baarliine.
– Xaaji Aadan Afqallooc

(15)
Qoof weeye laba gaal hadday, talo qorsheeyaane
Hindigay qafaasheen beryey, qaran ahaayeene
Qarni malaha Yawguba markuu, qaatay keenada e
Waa tii Suweys uu qabsaysay, qamac dharaareede
Waxa horteen sidaa loo qarribay boqol quruumoode
Qoonsada halkaa waxa ku jira qabar laxaad weyne.
– Muxumed Aw Cabdi Xaashi, 1920-30kii

(16)
Waagaan dhawaaqaayey een dhego la’ii yeelan
Dharaartii hadday ila gartaan lama dhaqaajeene
Maantooy dhanaanaatay bay dhabanka haystaane
Dhammaantiin Soomaalaay hadday, dholo’di joogtaaye
In Qiyaamihii soo dhawyahoon, dhegiba noolaanin
Iyo gaalka inaan dhoofinoo, dhidibka loo saaro
Labadaas mid uumbay u dhici dhaaxa lala yaabye.
– Muxumed Aw Cabdi Xaashi

(17)
Talyanoow sidii duur belbelay, dab isu kaa dhaafye
Degelladu ku wada naaqusoo, dugum lagaa yeelye
Dekedaha wax kugu qayliyaa, kaaga soo dego ee
Duufaan Ilaahay ku geli, sida dabayleede.
– Abwaan Cali-Tuur

(18)
Haddii Ciise Muusaha majnuun, lagu malaynaayo
Waa muusannaw xaajadaa, nagu maqleyseene
Intaan marantideenniyo hablaha, madaxa loo xiirin
Mar ku roga mareeg-diidka waa, laga macaashaaye.
– Abwaan Cabdi-Dhukane

(19)
Dadkey madaxdu ka xumaato way, marin habaabaane
Kuwa muqaddimada looga dhigey, waa manfaco doone
Mar maxaad cuntaa keliya buu, yahay muraadkoode
Nin mushaharo eexeyn-hayaa, waa miskiin dhabahe
Muddeec waxa ka dhigay waa inuu, maarmi-waa yahaye Muddaafacana seeg iyo in uu, maya yiraahdaaye
Culimadana damac baa melgoo, mooyi sey tahaye
Milladdiyo shareecada bar baa, maal ku iibsada’e
Marsiin iyo fudeyd buu ku dhacay, magane diinkiiye.
– Cismaan Yuusuf Keenadiid

(20)
UN-ada taarka loo direy, waxba nama taraayee
Waxay taawin badidood, si laynoo taxaabto e
Waa la takhantakhayn jiray, ninkii tabar-yar weligiye
Tiirridatan gaalo ah, jinnaa inagu taagaye
Waa niman takoormayoo, towxiidka diidaye
Towreed iyo Injiil iyo teennaba ka beyre e
Tawaani keen isuma hayso, isku towna maahine
Ninkii haatan taabacayna, tubta kheyrka seegyaye
Togaggii Firdowsaad, tegi-maayo weligiye
– Cismaan Yuusuf Keenadiid, masafo

(21)
Ingiriis Hargeysuu degiyo, hilinnadeediiye
Wax Talyaani weli haybiyaa, hoosadii Xamare
Faransiis Jabuutuu hurdaa, idinku hiifaaye
Wax Maraykan hawdka u maraa, waa horseed yimiye
Waakaas dhulkeenii hantiyey, hooliflow Xabashe
Hub samayso Soomaaliyeey, lagu hareereeye.
– Yuusuf Xaaji Aadan Qabille

(22)
Qaramadan gadaal-kacay qarbigu, waa geddiyayaaye Gobannimada lama doonayaan, gadasho mooyaane
Wiilkii garaad lagu tuhmaba way ka gurayaane.
– Cabdillaahi Suldaan Timacadde

(23)
Nasaqnimo Cagoolow Rabbaa, naaska kuu sudhaye
Ogaadeenku waa nala niyoo, nuurki wada gaadhye
Nafarkiyo aday kugu hodeen noolka Xabashaade
Nacabkaaga weeyaan waxaad, nugusta haysaaye
Kuwii Nebiyadii caasiyaa, Naashka kuu dhigaye
Naxlina kuu gal Soomaalidaad, Naafi leedahaye.
– Cabdillaahi Suldaan Timacadde

(24)
Goldalooladay jecel yihiin, ciday galaaftaane
Gelin qudha ma daayaan ninkay, gaatir ku arkaane
Gacma-hoorsi kaagama tagaan, kumana guuraane
Geesaa bay yeeshaan haddaan, waranku giirrayne
Dhegahay gufeystaan haddaan, geesiyaal heline
Garta ay dhagaystaanba waa, gumuc rasaaseede!
Gujaduu ku maalaa ninkii, geda-yaqaanaaye.
– Hadraawi

(25)
Hub wixii galaabaxay haddaan, meelna lagu gaadhin
Ninkiinnii gurguurtiyo intii, naafo gabargaashey
Ninkii gurungurcoodkuu dhaliyo, gacaladiis waayey
Nin goblamay nimaan gaban u hadhin, gaar nin keligiisa
Gallad qubatay xooliyo dadiyo, garangar duugowday
Gocoshiyo xanuun ma leh wixii, guud ahaan lumaye
Gobanimada waa loo dhintaa, gooriyo ayaane
Ummad gadata mooyee nin kale, waa ka garannuuge
Ma gabloosho beertii xabiyo, dhiig ku goraraaye
Damalkii la gooyaba mid baa, soo gadaal baxa e
Guri laga baroortaba aroos, gaafan baa xiga e.
– Hadraawi

(26)
Maxaa guul darraystiyo
godadliyo hinaasiyo
Gocor igu habayseen
Giiba sow nin ma ahayn?
Geeskayga bari yimi
Maxaad gacan ku dhiigliyo
gibil kala tabooriyo
garma-qaate dhegaliyo
garac igu abuurteen?
Maxaad good mariidliyo
gungumiyo abeesiyo
goodaaddo jidhifliyo
garangoorri socotiyo
inta bahal gurguurtiyo
belo igaga guurteen.
– Hadraawi

(27)
Gudaha ceelka Hargeysa
Weligay gees uma dhaafin e
Bal maxaan laba gaal oo
Abtirsiimo gudboon
Midkood guusha u siin
Midna aan u gumeyn
Maxaa iiga gidhiisha?
– Maxamed Nuur-Laangadhe, 1943

SHEEKH AXMED WACDIYOW (GABYOW), 1891
Sheekh Axmed Sheekh Abiikar Xasan Sheekh Axmed Wacdiyow (Gabyow) oo ku noolaan jiray gobolka Shabeellada Dhexe, wuxuu ahaa nin caalim ah isla markaana suugaan-aqoon ah. Wuxuu had iyo jeer bulshada ku wacyi-gelin jiray suugaan kala duwan oo ay ugu caansanayd nooca maansada loo yaqaan masafo. Xitaa dacwada iyo diin-fidinta wuxuu u-adeegsan jiray maansooyin kala duwan oo si dadban caqiidada u tiimbinaya dadka. Haddaba markii uu gumaystaha Talyaanigu qabsaday dhulka Soomaaliyeed, wuxuu Sheekh Axmed-Gabyow kala hor-tegay dagaal jihaad ah. Wuxuu abaabulay dadkii, wuxuuna ku guubaabiyey suugaan. Sida u caadada ah dadka aan meel fog wax ka eegin, qaar badan ayaa Talyaaniga gacan ka siinayey danihiisa gurracan. Bulshada badankeeduna uma ay dhega-nuglayn Sheekha iyo dadka la midka ah ee ku dhiirrinaya in gumaystaha la iska qabto inta goori goor tahay. Waxaa ka mid ah suugaantii uu dadka wax ku fahansiinayey masafooyinka soo socda.

Raajulka kaafur ah
Rajulka kaafur ah ee rugtaan yimid
Sidii rasuul Rabbi nooma soo dirin
Mana rabnoo naga reed bax waa niri
Haddaadse ruux la dagaasho kaa roon
Reerkaad u kaashan laheydne raagaan
Ragoow haddee qalbi waa rafaadaa.

Soomali ayaan u dagaallamaynaa
Markii Talyaanigu yimid degmada Cadale sanadkii 1891, wuxuu Talyaanigu dhinaca Muqdisho kasoo diray odayaal Soomaali ah si ay Sheekh Axmed-Gabyow uga joojiyaan suugaanta uu dadka ku kicinaayo ee uu kaga soo hor jeedo gumaysiga Talyaaniga. Markaa wuxuu Sheekh Axmed-Gabyow ugu jawaabay odayaashii uu soo adeegsaday Talyaanigu:

Soomaali aan u dagaalamaynaa,
Dalkaan balaaran u daafacaynaa,
Kufriga soo degay diida leenahay.
Kuwa dulmaaya la dood gelaynaa,
Dantiinii duul kale dhowri-maayee
Ha daalinoo u dulqaata leenahay
Dabeysha mowdku intuu i daadayn,
Hilibka duud cunin, oonan deebna noqon,
Dadka tus aan danahiisa leeyahay
Duruyaddaada dab looma aasee,
Kuwa dambaan u dariiq falaynaa.

MAWQIFKII SAYIDKA IYO MEESHII UU KU DAMBEEYEY, 1898-1920
Sayid Maxamed Cabdille Xasan wuxuu ahaa wadaad asal-raac ah oo ay haysay qiiro Islaamnimo iyo mid waddaniyadeed oo cabsi gelisay gumaystayaashii Ingiriiska, Talyaaniga iyo Xabashida iyo xitaa Faransiiska oo dhammaantood ku shuraakoobay boobkii dhulkii Soomaalida. Wuxuu kusoo beegmay xilligii reer-Galbeedku kala qaybsadeen dhulkii Soomaalida iyo qaaradda Afrika badankeeda iyo weliba guud ahaan caalamka aan caddaanka ahayn. Boobka dhulka Soomaalida waxa reer-Galbeedka ku wehelinayey dawladdii Xabashida ee xulafada la ahayd. Dawladda Ingiriisku waxay qoondaysatay oo degtay dhulkii markii dambe loo bixiyey Soomaalilaan. Dano dhaqaale, qaar istiraatiijiyadeed iyo kuwo diineedba way lahaayeen gumaystayaasha reer-Galbeed. Haddaba Sayidku wuxuu noqday qofkii ugu horreeyey ee dagaal abaabulan ka bilaaba dhulkii Ingiriisku gumaysan jiray. Hase ahaatee waxa dhiciseeyey halgankiisii gumaystayaashii saddex-geesoodka ahaa: Ingiriis, Talyaani iyo Xabashi, hoggaamiye dhaqameedyo gacan-saar la lahaa gumaystaha iyo culimo gacan-saar la yeeshay gumaystaha iyo dabadhilifka gumaystaha.

Culimadu xagga diinta ayey ka wareemeen oo waxay dadkii ka dhaadhiciyeen in aanu ninkani diin sax ah haysan ee uu lunsan yahay. Hoggaamiyeyaashii qabiilkuna waxay dadkii uga dhigeen nin qabaa’ilkooda dabargoynaya oo aan u jeedin la dagaallan gaalo. Marka ay dadka ku carinayeen goldaloolooyinka Sayidka iyo Daraawiishta, marna ma aanay ka hadlahayn sidii gumaystaha la isaga kicin lahaa iyo waajibnimada arrintaas. Marka la xasuusiyo xumaanta gumaystaha, waxay xujadoodu ahayd, “Kuwani waa cadow gaalo ah oo xumaantoodu way iska caddahay, laakiin xikmad ayaa loo baahan yahay.”
Sayidku dhinaciisa wuxuu olole ugu jiray inuu helo taageerada bulshada. Wuxuu si walba ugu dadaalay kasbashada culimada iyo odayaal dhaqameedka beelaha. Wuxuu qabay fikir ah in ay waajib diineed tahay la-dagaallanka gumaystayaasha. Ciddii caawisa gumaystaha ama safkooda gashana wuxuu u qabay gaalo diinta ka riddowda oo dhiiggooda iyo maalkooduba bannaan yahay. Markii uu ka quustay dadkii hormoodka ahaa ee gumaystaha kala saftay, waxa uu ku bilaabay dagaal rogaal-celis ah oo uu xumaantooda kaga digayo. Haddaba halkan waxa aynu kusoo qaadanaynaa dhawr gabay oo muujinaya mawaaqiftii Sayidka iyo mabda’ii halgankiisa.

Nin aqdaamo Faranji ah (Masafo)
Sayid Maxamed Cabdille Xasan
Mar wax laga waydiiyey Sayid Maxamed dadkan gumaystaha ka raacay ee haddana sheeganaya Soomaalinimo iyo Islaamnimo, ayuu masafadan tiriyey. Wuxuu sheegay in kuwaas ashahaadadoodu been tahay oo aanay sax ahayn in Islaamnimo lagula dhaqmo. Wuxuu yidhi:
Nin aqdaamo5 Ferenjiya,
Maantiyo abuurriin
Ama aaladda u sida,
ama awrtaba u rara
Ama adhigaba u qala,
ama laba ugaadhsada
Ama uba ilaala ah,
ama uurka kala jira
Ashahaado beeniyo,
Islaamnimo ha lagu dhaqo
Ilaahayna nama odhan,
Anna ma oggolaan karo!

5 Aqdaamo: Khaadin, adeege.

Wallee Saamax Baan Jirin (Gabay)
Mar kale waxa uu Sayid Maxamed Cabdille Xasan caddeeyey mawqifka diintu ka qabto dadka la safka noqda gumaysteyaal gaalo ah oo mullatari ahaan ku jooga dhul Islaameed. Caamada waxa jaho-wareer ku riday waagaas culimadii diinta oo warka Sayidka ku sheegayey mid aan waxba ka jirin iyo in aanay iyaga wax colaad ahiba kala dhaxaynin gaalada. Markaas ayuu mariyey gabay dheer oo aan kasoo qaatay intan yar ee uu ku leeyahay:

Niman baa shareecada siroo, gaalka saacidaye
Oo shalay safkii nagaga baxay, saymihii dhacaye
Oo Saarashada Faranjigiyo, saajinka u xilane
Awgii6 Siyaarada lahaa, selel hadduu qaaday
Oo ay sahwiday culimadii, saxal-mariikhowday7
Saxariirka aakhiro hadday sax u ogaan wayday
Saqiir iyo kabiir waxa la geyn, Saqara naareede
Soon iyo salaad iyo sekada, sadaqaddii iidda
Sawaab kama helaayaan waxay, camal samaysteene
Saasna waxa uugu wacan kufriga, Saab8 la leeyahaye
Saaxiibkaa wuxuu kugu furaa, soohdintuu dego e
Iyaga oon ka saahidin wallee, saamax baan jirine9

Aw: Ninka diinta wax ka barta ee bulshada ugu adeega intaas uu diinta ka yaqaan.
Saxal-mariikhow:
Saab: Erey asalkiisu Ingiriisi yahay oo Soomaali loogu dhawaaqay “sahib” oo la macno ah sayid ama mudane.

Hoga-Tusaalayntii Bulsho ee Sayidka
Sayid Maxamed Cabdillaahi Xasan muddadii dheerayd ee uu dagaallamayey wuxuu la kulmay caqabado fara badan oo aakhirkii u nugleeyey warmihii gumaystaha. Laakiin isagu kama daalin in uu mar walba dadka ugu baaqo inay safka cadowga ka soo baxaan oo jihaadka la xoojiyaan isaga. Maansadan masafada ah wuxuu ku tusaalaynayaa dadkii Soomaaliyeed ee gumaystaha ku hoos jiray oo uu u qaybiyey:
1. Qabiilooyin uu sheegay in aanu jeclayn inuu dhib gaadho oo uu mid walba abaal gaar ahaaneed oo uu ku ammaanayo ku xusay
2. Dad caasi ah oo uu ula jeedo askartii iyo shaqaalihii caamada ahaa ee gumaysiga u adeegayey
3. Culimo xumaatay oo halkii ay umadda ku hoggaamin lahaayeen diinta, ayagii daba-fadhiistay rag dabadhilif u ah gumaystaha
4. Iyo dad maato ah – dumar iyo carruur – oo ay kuwaasi khaldeen.

Mawqifka Sayidka waxa ka muuqata in uu aaminsanaa in ciddii la saf noqota gaalo la dagaallamaysa Muslimiin, ay ayaguna gaaloobayaan, xitaa haddii aanay ayagu afkooda ka qiranin taas. Xitaa haddii ay salaaddii tukanayaan, oo soomayaan oo sekadii bixinayaan. Taasi waa mad-habkii salafka sida ku cad kutubaha qadiimka ah. Laakiin tan iyo waagii Tataarku qabsaday caalamka Islaamka, iyo markii dambe ee gumaystuhu yimid waxa la arkay Muslimiin culimo iyo caammaba leh oo aan arrintaas gaalnimo u arkayn.

Qolo walba wuu hoga-tusaalaynayaa. Marka hore wuxuu ku halqabsanayaa Xaaji Suudi Shabeelle10 oo ahaa afhayeenkii Sayidka, kana mid ahaa aasaasayaashii Daraawiishta ee khusuusiga ahaa. Waxaad mooddaa inuu Sayidku ka waaninayo Xaaji Suudi dagaal lagu qaado beelaha Soomaaliyeed qaarkood. Wuxuu yidhi Sayid Maxamed:

Waar Suudoow dagaalkaba, anigu dooni maayee
Dunjigiisa iidoor, duudsi baan ka yeeloo
Dibindaabyo Habaryoonis, dacwi iima qabanoo
Dagaal Sugulle Caynaashe11, durqunkii ka dhaartoo
Danabbada Ammaan12 dhalay, daawaa naga dhaxaysoo

Suudi Shabeelle: Waa Darwiish kamid ahaa afraaddii aasaastay Daraawiishta. Wuxuu ahaa afhayeenka Daraawiishta ilaa isaga oo ku loogan faltan jihaad ay Ingiriisku dagaal ku dileen sanadkii 1920.
SUGULLE Caynaashe: Waa qolo ka tirsan Habaryoonis oo ah qabiilka suldaamada beeshaas asalka u lahaa.
AMMAAN: Waa Suldaan Xirsi Amma Suldaan Diiriye Sugulle oo ahaa hoggaamiye Saldanada Habaryoonis kamid ahaa oo aad u xoog badnaa wakhtigiisii. Waa ninkii lagu tilmaamay gabaygii Ismaaciil Mire ‘Kibirka’ markii uu lahaa, “Kaysaha adduun Ina Ammaan koos dhan buu helaye, kolna kii asraa’ilay ma hadin kama yaabayne, Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado.” Laakiin wakhtigan Sayidku noolaa waxa joogay faracii Xirsi Ammaan.

Dabar hadduu ka baylaho, dubkaa ii xanuunoo
Dembi igama raacoo, daacad weeye saasoo
Darwiishkii Suldaan Nuur13, duudooduu ka beermee
Ciidagale ma daaroo, an danqaabi maayoo
Duubigay callaameen Diiriyaannu14 xididnoo
Markii uunku dabagalay, waa kii doc uga leexdoo
Wax kastoo loogu dawgalay, waataan la daynoo
Dayax weerar jeer hore, rag baa igu dukhuulee15

SULDAAN NUUR: Waa Suldaan Nuur Axmed Suldaan Ammaan Suldaan Diiriye, waa suldaankii beesha Habaryoonis ee waagii Sayidku soo baxay. Wuxuu kamid noqday dadkii ugu horreeyey ee Daraawiishta wax ka dhisay, kana tirsanaa ilaa uu ka dhintay. Waxaa lagu tilmaamaa suldaankii ugu horreeyey ee taageeray fikirkii gumaysi-diidka ahaa ee Sayid Maxamed iyo weliba suldaanka kali ah ee Soomaaliyeed ee halgankii Daraawiishta kamid noqday.
DIIRIYE: Waa Suldaan Diiriye Suldaan Xasan Suldaan Faarax Suldaan Guuleed oo ahaa suldaankii Ciidagale. Wuxuu suldaan ahaa 104 sano. Wuxuu kamid ahaa salaadiintii uu Sayidku ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan dadka la gaalaysiinayo oo ay halgankiisa ku taageeraan. Waxanu ku sigtay inuu ku biiro Sayidka haddii aanu Ingiriisku sirtaa heli lahayn.
DAYAX-WEERAR: Waa geelii ugu horreeyey ee ay dhacaan ciidamadii Daraawiishta. Wuxuu ahaa geel ka badan 2000 oo halaad. Waxa laga dhacay beesha Suldaan Diiriye. Ficilladii ka dhacayey ciidamadii Daraawiishta sida in xoolo islaameed la dhaco ama beelo lagu duulo iskuma ay raacsanayn Daraawiishta lafteedu. Taas waxaad ka garan kartaa isla maansadan uu Sayidku kaga cudur-daaranayo dhicistii Dayax-weerar. Waxa kale oo kuu caddaynaya geerarka uu isla geelaa ka tiriyey Shariif Cabdulle Shariif Cumar oo ahaa nin shariif ah oo ka tirsanaa Daraawiishta. Wuxuu yidhi:

Col Ashraafi wacaysiyo
Caalin reero dhacaaya
Cilmi geel lagu qaado
Sayidkii Calmanaayow
Cimri yuu ku simaayoo
Cidhibteeda ogaada?

Dadka Nuux Ismaaciil16, dudmo igama haysoo
Reer Yoonis17 dayr hore, waa tuu diiday gaalkoo
Diigaanyo xoolo ah, waa tii laga dareershoo
Deyn iyo dulsaar badan, waa tii laga duduucee

Markii Sayidku caddeeyey in aanu duullaan ku ahayn beelahaas uu xusay oo ahaa kuwii ku hoos noolaa gumaysigii Ingiriis, isla markaana uu caddeeyey sida uu beel walba ugu hayo wanaag hore, ayuu ku jeestay

NUUX ISMAACIIL: Waa qolo ku abtirsata beesha Sacad Muuse ee Habar-Awal. Waxay u kala baxaan: Yoonis Nuux, Axmed Nuux iyo Cali Nuux.
YOONIS: Waa Yoonis Nuux Ismaaciil oo ku aroora Sacad Muuse, Habar-Awal.

Darwiishkii ruug caddaaga ahaa ee Xaaji Suudi Shabeelle. Waxa uu Xaajiga hoga-tusaalaynayaa sida uu dagaalku u xun yahay ee dhibaato looga dheefayo. Halkaas waxa uu ku muujinayaa inay dagaalka dantu ku qasbayso ee aanu iskii u jeclayn. Wuxuu yidhi isaga oo sii wata hadalkiisa:

Awgey danafka baas daa, dirdiro ma fiicnee
Nin duqaan ku moodaye, daa’imo miyaad tahay?
Dacwigaan bannaanayn, maxaad uga dan leedahay?
Ina Shixiri18 baa dilay, danyadiyo islaaxoo
Ragguu dahabka dhaafsaday, cadhaa wada digsiisoo
Door buu is moodaye, waase dooro weynee
Ma ku dayatay waadigan, wax duqlaalinaayee
Maxaad uga dan leedahay, duullaanka aad humi.

INA SHIXIRI: Sheekh Cabdillaahi Shixiri wuxuu kamid ahaa aasaasayaashii Daraawiishta, isla markaana ahaa xidhiidhiyihii arrimaha debedda ee Daraawiishta ilaa ay is-khilaafeen Sayid Maxamed oo uu ka goostay. Sababta uu uga baxay Daraawiishta waxaa lagu sheegay ilaa saddex sharrax oo kala duwan oo kala ah:
1. Khilaaf shakhsi ah oo dhex maray isaga iyo Sayidka
2. Sheekhii Saalixiyada ee Maka oo fatwo diidmo ah kasoo saaray Sayidka
3. Iyo in Ingiriisku laaluushay sida ka muuqata masafadan. Alle ayaase xaqiiqda og.

Dawo lagama helayoo, durbaa lagu halaagmiye
Ninna duuli maayoo, cirka uma dafaayee
Waxa dunida joogaba, dukhaan laguma ridayee
Degmo haatan baan, duug laga arkaynoo
Reero duunyo haystaa, caydho dulugle noqonoo
Dagaaggaa wuxuu tegi, dekeddii Cadmeedoo
Wiilal Deeb marsaday buu, waraabuhu duddubinoo
Meyd dogob la moodaa, dugsiyada wadhnaanoo
Wax la dooxo mooyee, dar kalaan jiraynoo
Fardaa dininigtoodaa, dooy looga qixiyoo
Dooyadaa waxay tegi, Adari daafaheedoo
Wixii deeble geelaba, duhur baa la qabanoo
Makhribkaa hadduu dumo, dalaad lagu arrumiyoo
Iyadoo daruur u eg, ama daad masaalkiya

Markii waagu daalaco, derbi waa la kicinoo
Senge duubi weyn baa, hadba dooc ka geliyoo,
Daliilkii Ilaah iyo, dikraa lagu kaxaynoo
Dugul maraqa luli, dabadaa loogu xidhiyoo
Debec lama uleeyee daaqsin bay u soconoo
Kuwii Deero foofsaday, dugaaggaa la siiyoo
Daabbaddiyo hubkoodii, dorraataa la helayoo
Dayayadii horreetaa, rasaas lagu digsiiyoo
Dawanka iyo sowdkaa, diilalyada ka kicinoo
Inay soo digiigixi, dibey lagama yaaboo
Ninkii Days ahaabaa, boqol loo dawariyoo
Waar Daarood19 libtuu helay, dayib iima aha oo

DAAROOD: Waa qabiil macruuf ah oo ka tirsan qabiilooyinka ay ka kooban tahay Soomaalidu. Waxaa la sheegaa in odayga Daarood Ismaaciil ku abtirsado jufadii Nebi Muxammed – naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee – ee reer Banii-Haashim. Haddii arrinkaas la xaqiiqsado, waxay xubnaha qabiilkaasi noqonayaan Aalu-Beytkii Nebiga.

Anigoo dariiqo ah, asagay dulmiyayoo
Raggii daahirka ahaa, isagaa dulleeyoo
Nasaarada direyska leh, asagaygu dirayoo
Markaan diirtay Ferenjiga, ayagey duleedshoo
Maandhow kuu duceeyaye, dabuubtayda maqaloo
Ma duuloow wixii lumay, maanta haw damiin noqon.

Markii Sayidku hoga-tusaaleeyey sida aanu dagaalka u jeclayn una fahansan yahay xumaantiisa, ayuu guda galay waano iyo wax-sheeg ku socda bulshada qaybaheeda kala duwan. Wuxuu ugu horraysiiyey dadka caasiga ah ee aan dhinaca cibaadada u jajabnayn ee nolosha adduunyo uun ka fekera. Wuxuu si gaar ah ugu danleeyahay kuwa gumaystaha u adeega sida askarta iyo adeegayaasha kale. Wuxuu yidhi isaga oo sii wata masafadiisii:

Afartaa daleeyaye, ma daabacay sidaydii
Ma daleeyey maansada, damiin baan aqoonine
Hadal diirsimaad gala, duri waan u odhan jiray
Doodna waxaan u leeyahay, kuwii diinta caasiyey
Waar haddii la kala diday, sida deero iyo cawl
Rabbi nama dufeeyee, Cawar maxawla deristeen?
Eygii doofisha lahaa daaha maxawgu rogateen?
Dumarkii idiin dhaxay dala’20 maxawga yeesheen?
Doofaarkaad qalaysaan, sow kama diqootaan?
Dulligiyo cadaabkii, maxaa kiin isugu daray?
Durriyaddii Ibleys iyo maxaa daaduf idin qoray?
Dariiqii Rasuulkiyo, dawga maxawga baydheen?
Xaqa aan daboolnayn maxaa idinka soo deday?
War sow darajo aakhiro, Rabbi kama damcaysaan?
Xuuralcaynta diibka leh, waar maxaw dalaaqdeen?
Durdurkii Fardowsana, dacni maxawga yeesheen?
Dibjiryadiyo guuraha dafdaf maad u roortaan?
Dacas lalama jiifee, khayrka maw dadaashaan?

Dala’: Wax iska dayacan, lunsan

Waar hoy deeqda Eebbiyo, janno maad ku dirirtaan?
Dakharkiyo dubaaq dacar haddow malayseen
Dumbuq ninkii aan lagu dilin, dan la’aanba waw dhiman
Inkastaad dadaashaan, ma naf baa damcaysaan?
Haddaan dunidu waarayn, miyaa daa’imaysaan?
Duqyaankii Fircoon iyo, aaway daarihii Caad?
Qaaruun dad iyo maal, damug baa la siiyoo
Tacaddiguu Samuud falay, fa damdama ku noqoyoo
Waxa loogu dawgalay, Daaq iyo Gureyoo
Nebi Nuux kuwii duray, duufaan baa la tegayoo
Doonniduu samaystiyo, dooshi buu ka korayoo
Docogaysigii Luud, doogtiisii la aragyoo
Nimankii darribi jiray, Rabbi waw darraadoo
Iyagoon digniin qabin, malaa’ig buu u dirayoo
Dambasyaallo culus baa dusha lagaga ridayoo
Nin kastoo digniin qaba, mar uun baa la dagiyoo
Dooxanaha mawdka ah, diric kama geleysaan
Haddaan been dabaad ahay, aaway dawladdii Iram?
Aaway doorarkiinnii, dal-la-helayda qabi jiray?

Waano iyo wax-sheegga kor ku xusan ee ku wajahan dadka caasiga ah kadib, waxaa uu Sayid Maxamed u jeestay dhinaca culimadii waagaas oo halkii ay kala diriri lahaayeen gumaystayaasha u tafo-xaytay inay xagal-daaciyaan kuwii isu xilqaamay hawshaas. Culimada waxa dushooda saaran ammaano weyn oo xagga diinta ah. Waa inay xaqa caddeeyaan kuna dhaqmaan. Laakiin haddii ay xaqii ku dhaqmi waayaan, caddaynna waayaan, waxay noqonayaan sidii kuwii Alle ku tilmaamay dameero kutub xambaarsan. Fiiri suuratu-Jumuca. Haddii ay diinta sheegisteeda adduun dhaafsadaanna, waxay noqonayaan sidii ninkiii Alle ku metaalay ey haraaryoonaya. Fiiri suuratu-Acraaf. Haddaba Sayidku culimada wuu canaananayaa, wuu la doodayaa, wuu tilmaamayaa, wuu u digayaa, waanu waaninayaa, wuxuuna waydiinaya sababta ay nin lumay oo dabadhilif ah ugu dabo-fayleen ee ay ayaguba u noqon waayeen kuwo aayaha dalkooda u taliya oo aan cidna u dabo-fadhiisan. Wuxuu yidhi:

Afartaa daleeyaye, ma daabacay sidaydii
Ma daleeyey maansada, damiin baan aqoonine
Hadal diirsimaad gala, duri waan u odhan jiray
Doodna waxaan u leeyahay, culimada dafaarka ah
War an idinma doocine, idinkaygu diimayee
Dalkaad iibiseen baa, dacarta igu kiciyayee
Shan haloo idiin daran, dannigiin ka fiirsada
Mar waa inaad dayoowdeen, diirad haddaydun qabateen
Dadka aydun raacdeen, isna waydin diga gubi
Dillaalkii la siiyana, dunna kama helaysaan
Ninkii idin darraabana, ajri iyo ducuu heli
Dibna deeqda Eebbahay, dibno saari maysaan
Diin nimaan lahaynini, dameer caynsan weeyee
War maxaa dufulayahow, cadawga ugu daranteen?
Wanka doosha wayn iyo, ma dagadaad21 u xilateen?
Qandiga22 mayska duubtaan, dawarsigu ma fiicnee
Aw-yaaloow ma diiddeen, jahaad maw dareertaan?
Warma danana iyo seef, degta maad ku qaaddaan?
Darmaan haad la qooqdiyo, Doolaab maad u fuushaan?
Wiyilka diir ka qaadka ah bidixda mawgu dadabtaan
Doobiga-xamaalka ah dakarka maad ka goysaan?
Daacufleyda madida ah degdeg maw xabbaadhaan?
Idinkaa dalkaba lehee, dawlad maad u noqotaan
Illeen doqni calaf maleh, dubaax maxaa ka baylahay?
Afartaa daleeyaye, ma daabacay sidaydii

Dago: Seko, sadaqad
Qandi: Kolay, sallad. Waa tii la yidhi, “Wadaad qiil uu ku bannaysto iyo qandi uu ku rito midna ma waayo.”

Ma daleeyey maansada, damiin baan aqoonine
Hadal diirsimaad gala, duri waan u odhan jiray
Doodna waxaan u leeyahay, da’ kastaba ha noqotee
Kuwii diinta qariyow, idinkays dilaayoo
Nin dalkiisii iibsaday, dulli buu ku waariye
Ninkii gaalka dabagala darxumow dambaynoo
Naftu hadday ka duushana, dalku waysu diidiye
Inuu haadku diirdiiri, waa sida daruurtoo
Dubaaxdiisa feedhaha, dab baa lagaga shidiyoo
Hadduu waayo darib cuno, waa laga dambeeyaa
Ninkiise dawga dhaafaya, dawo looma helayee
Digtoonaada weligiin, dunidu waari maysee.

Ugu dambayntii wuxuu Sayidku la talinayaa dadka caamada ah, dumarka iyo carruurta. Wuxuu xasuusinayaa in dadkii hoggaamin lahaa ay lumeen oo meel xun ku hagayaan, inay iskaga hadhaan oo aanay baadinimadaas ku raacin ayuu ku guubaabinayaa. Wuxuu yidhi:

Doodna waxaan u leeyahay, dumarkiyo caruurtoo
Dadkii idinka weynaa, hadday idin dulleeyeen
Dambi kama ay yaabine, cuntay idinka doorteen
Duunyaa la dhaafsaday, dugsigaad galeeyseen
Dameerkuna ma yeeleen, halkay talo ku daysteen
Dab intay shideen bay, dalaq idinku siiyeen
Doox intay qodeen bay, ciid idinku daadsheen
Nin idiin damqanayaa, idinkama dambeeyoo
Haddaydaan digtoonaan, daad bay idin qaadiye
Duleeddada kufaartaa, dacas idinku laynoo
Naf dalkaaga doonaysaa, firaash looma daadshee
Dabkan aan shidaayaa, daawadiina weeyee
Dariiqii Rasuulkiyo, dawga haka baydhina.

DARDAARANKII SAYIDKA (GABAY)
Halgankii Sayid Maxamed Cabdille Xasan wuxuu ku dhammaaday in loo xoog sheegtay. Cadowgii wuxuu ku guulaystay in uu kala dhexgalo Darawaashtii iyo bulshadii Soomaaliyeed. Ayagii ayaa cadow isu noqday. Culimada badankoodii waxay noqdeen kuwo soo saara fatwooyin lagu wiiqayo awoodda iyo ujeeddada Daraawiishta isla markaana xoojin iyo taageero dadban u ahayd gumaysigii xaaraanta ahaa. Dagaal 20 sano socday ka bacdi waxaa Sayidka jabiyey dayaarado lagu duqeeyey oo ahaa duqayntii cirka ee ugu horraysay ee ka dhacda Afrika23. Gulufkaas Sayidka lagu jabiyey waxaa gacan weyn ka geystay ciidamo Soomaaliyeed oo adeegayaal gumayste ahaa, dhinacna ka beelaysnaa.
Soomaali badan ayaa laad ugu sii dartay dilkii Ingiriiska, waa la bililiqaystay, digasho iyo farxadna waa laga dabageeyey.

Daabaca ninkii kugu dhuftee, daabku kuu celiyey
Iyo kii duleedshaay ku yidhi, wax isma doorshaane

Sheegashada ah in dayaaradihii ugu horreeyey ee meel Afrika ah lagu duqeeyey ka dheceen dhulka Soomaalida, wax baa ka jira. Waxaa ka horraysay duqayntii dayaarado loo adeegsado ee ugu horraysay oo Talyaanigu ku weeraray ciidamadii Cismaaniyiinta ee ku sugnaa Liibiya oo dhacday 1911.

Tusaaleyaal yaryar haddaan ka soo qaato digashadaas, waxaa kamid ahaa gabaygii Cali-Dhuux Aadan ee ahaa:

Waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darraan jiraye
Bal dayaay wadaadkii wakaa sii dabayshadaye.

Waxa kaloo jiray nin la odhan jiray Ammaan Faarax oo Ogaadeen ahaa oo ku damaashaaday:

Waa tii Bah-Geri looga baxay beled Islaameede
Waa tay belaayo ha gashee belel ka oogeene
Waa tay ka boodeen sharciga baaniyaaladuye
Bagoy baga’e maantaba ka dhimey Maxamad beentiiye
Ka biskooney beladii Taleex iyo basaaskiiye
– Ammaan Faarax

Laakiin dhinaca kale waxaa jiray dad indheer garad ah oo jirtoo ay kasoo horjeedeen Sayidka iyo Daraawiishta, haddana aan ku farxin sidii loo galay. Salaan Carrabay24 ayaa kamid ahaa dadkii laga filayey in uu ku digto, lagana codsaday arrinkaas laakiin ku jawaabay hadal dadnimo ka muuqato. Wuxuu yidhi:

Daaroodka jabay waa Isaaq, dadab ku xeerrayde
Hadday aqalka daahyadu go’aan, daakhilkaa xigiye
Maxaan kaga digtaa ruux la diley, saw ma dabajoogo!

Gabaygan waxaa kale oo lagu sheegay inuu tiriyey Axmed Aadan Dubbe “Gabay-Xoog” oo ahaa wadaad indheer-garad ah oo xidhiidh sokeeye ka dhaxeeyey Daraawiishta.

Markii Sayidku jabay ee uu Iimay gaadhay, wuxuu tiriyey gabay dardaaran ah oo uu kaga hadlayo mawqifkii uu ku dagaallamayey, dhibtii ka qabsatay iyo waxa ay gumaystaha ka mudan doonaan dadkii la fahmi waayey ujeeddadii halgankiisa. Gabaygan oo ah mid dheer waxaan kasoo qaadanayaa inta ugu mac ee halkan ku habboon, waxaana dhici karta in ay qaybo badani ka maqan yihiin gabayga. Wuxuu yidhi:

Dubbayaal wixii nagu dhacee, nalagu daaduunshay
Annagu diidi maynoo mar baa, Daayin noo qoraye
Ninkii dunida loo deynayaa, haygu diirsado e
Mar haddaan cid laga daynahayn, mowdka damaqiisa
Ninka haatan soo diganhayow, dan iyo xeeshaada

Dangaraaradii nagu dhacdiyo, webi dabbaashiisa
Inkastoo daleel nala dhigaan, doocna nagu cayman
Duuflaalladii naga hadhow, dan iyo xeeshiinna
Dagaalkii Nasaarada anaa, daalib ku ahaaye
Dalka ma lihid anigaa ku idhi doora weynaha e
Daliilkii Rasuulkii anaa, doonaayoo helaye
Anaa diiday maantuu lahaa deeqdan iga hooye
Diinkayga anigaan ku gadan dabaqii naareede
Anaan labada daarood tan hore darajo moodayne
Markay duusho gaaladu anaan daabbadow rarine
Goortay dareeraan anaan diiraddow qabane
Anigaan dariiqiyo waddada dawga sii marine
Anigaan dillaalkiyo ardiga duubigaw xidhane
Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine

Sida doxorka Iidoor anaan, duud-xammaal noqone
Daarood Ismaaciil ma oga, dawga loo qodaye
Waa niman daboolmoo qalbiga, daabac kaga yaalle
Waa wixii durbaan tumay markaan dawga sii maraye
Waa wixii dabaaldegay anoo, gaal isoo dilaye
Xadhka-heer u daadsanee haddana, ciidda lagu duugay
Markaan dunida dhaafaa wallee, lagu dabaayaaye
Dadoow maqal dabuubtaan ku odhan ama dan haw yeelan:
Dawo lagama helo gaal haddaad, daawo dhigataane
Dabin buu idiin qoolayaa, waydin dagayaaye
Dirhamkuu idiin quba-hayaad, dib u go’aysaane
Marka hore dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye
Marka xiga dushuu idinka rari, sida dameeraaye
Marka xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e
Marka xigana daabaqad ayuu, idin dareensiine
Maxaad igaga digataan berruu siin25 lasoo degiye

Siin: Waa qalabka war-isgaadhsiinta ama war lalinta qaarkood.

Muxuu Rabay Sayidku?
Sayidku wuxuu rabay inay Soomaalidu ka xorowdo gumaystaha iyo inay helaan dawlad Islaam ah. Wuxuu qabay in hadafkaas lagu gaadho jihaad oo amma la shahiido oo sidaa Alle jannadiisa lagu rajeeyo ama la guulaysto oo dawlad gob ah la helo. Gabayadiisa qaar badan oo kamid ah ayaa arrinkaas muujinaya. Waxaanan kaa xasuusin karaa afarreydan. Wuxuu yidhi:

Haddaan waayey calan lay nashiro26, tan iyo Nayroobi27
Miyaan waayey naamuus janniyo, daalac iyo naasil?
Haddaan waayey Ciidoo28 Naqliyo inan Nugaal daaqo
Miyaan waayey neefaan xarbada, naallo ugu fuulo
Haddaan waayey ruux iga naxoo, ii nasabad sheegta
Miyaan waayey naxariis Alliyo, Nebiga jaahiisa?

Nashiro: Waa erey af-Carabi ah oo macnihiisu yahay fidin, wadhid, kala-bixin.
Nayroobi: Waa caasimadda xilligan ee dalka Keenya. Waxaa la aasaasay waagii isticmaarka, waxaana ugu badnaa dadkii lagu aasaasay Soomaali ciidan u ahayd Ingiriiska.
Ciid: Mar waa ciidda oo dhulka ayaa loola jeedaa, marna waa deegaan gaar ah oo Hawd ka tirsan.

Aragtida aan kor kusoo qeexay waxa dhici karta in aanay ila qabin dad badan oo xilligan nooli. Sidoo kale waxaa xaqiiqo ah in xitaa markii uu noolaa la isku maandhaafsanaa oo Soomaalida badankeedu kaba raaceen gumaysteyaashii. Laakiin si kasta oo dadkii la noolaa u diiddanaayeen ama uga soo horjeedeen, haddana waxay yaqiinsanaayeen inuu ahaa:
– Nin wadaad ah oo caalim ah oo xalaasha iyo xaaraantu u kala soocan yihiin.
– Nin la dagaallamayey gaalo duullaan ah oo gumaysi iyo gaalaysiinba wadday.

Taas waxaa u daliil ah, in markii uu jabay iyo ilaa xorriyaddii laga helayey uu noqday halqabsiga dhammaan Soomaalidii gobannimada u halgamaysay. Faarax Cismaan Kowte wuxuu kasoo jeeday beelihii sida cad uga saftay Daraawiishta, haddana markii ay Daraawiishtu jabtay, waxaa uu qiray inay ahaayeen dad xaq ku taagnaa waxaanu yidhi:

Manaamada Darwiishkii hadduu, diinta marinaayay
Muslinnimada gaariyo ninkii, muuminnimo sheegtay
Mansakheeda boolida ninkii, noo masala qaadey
Makhrib dumey sidii looga dhigey, maqalney eelkiiye.
– Abwaan Faarax Cismaan Kowte

Waxaa iyaduna xasuus mudan maansadii uu tiriyey Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) markii xorriyadda loo dabbaaldegayey 1960kii, maansadaas oo ay ka muuqato qiraal ah inuu Sayidku ahaa xaq u-dirir. Wuxuu yidhi Qaasim:

Allow yaa Darwiishkii farriin debecsan gaadhsiiya
Allow yaa dadkaagii yidhaa dawladnimo qaaday
Allow yaa dabbaaldegiyo farax kala dul geeraara
Fardaha yaa dirkii dhooddi meer doona faracdiisa
Allow yaa darmaan farataqaan duqa u kooreeya
Allow yaa duleeddada Taleex uga dammaashaada
Dhaaxuu ku daakiray xaqoo naga dahsoonaaye
Ha daawado dadkow hiiliyiyoo doogga soob baxaye
Allow yaa dalluuntiyo qabriga dib uga soo saara
In dariiqadi nooshahooy dunida soo gaadhey
Oo uu dabkuu shiday rag kale dogobbo sii saaray
Allow yaa af lama daaliyee daacad ugu sheega!

Haddii ay kuwaasi yihiin qiraallo cadcad oo ah inuu gobonnimo-doon u-dirir ahaa, waxaa iyaguna jira gabayo badan oo qiray in Sayidku ahaa caalin ay u kala soocnaayeen xaqa iyo baadilku. Waxaan tusaale usoo qaadanayaa saddex nin oo geelqaadyo ahaa oo la moodo inay qabeen in geela dhicistiisu xalaal tahay, ama ugu yaraan markii la waaniyey ayey isku difaaceen in aanay xaaraan ahayn geela dhicistiisu. Arrinkaas waxay u daliishadeen in Sayidku geela dhici jiray isaga oo ahaa nin aan laga filayn inuu wax xaaraan ah sameeyo. Raggaa mid ahaani waa Cali Dhuux oo Sayidka wakhtigiisii noolaa, mucaaridna ku ahaa. Midna waa Cabdi-Gahayr oo laga yaabo inuu soo gaadhay Sayidka oo xitaa ku gabyey inuu joogay goobtii Jidbaale29, ninka kalena waa Faarax Laanjeer oo isagu waxoogaa ka dambeeyey xorriyaddiina in badan kasoo gaadhay. Bal u fiirso:

Jidbaale: Waa goob magaceed, goobtaas oo uu ka dhacay dagaal dhex maray Daraawiish oo dhinac ah iyo Ingiriis iyo qabaa’ishii xulafada la ahaa oo dhinac ah. Jab weyn ayaa kasoo gaadhay Daraawiishta, waxaana laga dheehan karaa gabayadii Sayidka sidii uu uga samri waayey raggii meeshaas lagaga laayey. Haddaba tixda Cabdi-Gahayr ku xusay inuu joogay goobtaasi, waxay leedahay sidan:
Weligeyba meel lagu jabaan, jiqilla weynaaye
Dagaalkii Jidbaaleba ninkaa, joogay baan ahaye
Ilaahay i jecelaa muxuu, jirey arwaaxaygu

Sayidkii wadaad oo dhan xidhay, weris xalaaleeye
Xaaraan hadduu yahay maqdaca, Xila ma qaadeene
Xoolaha kaleetiyo isagu, waaba kala xeere
Nin kastoo xadreeyaaba wuu, u xusul-duubaaye
Haddaan xaajiyadu weerareyn, xer uma duuleene30
– Cali Dhuux

Sonkor uga macaan reerkayaga, soofla xoogsadaye
Waxba ay sasabin awgayoow, sidigi waa aade
Sayidkuba naruuree haddaad, sadar taqaanniine
Haddaanad seeddigay aabbo noqon, saxar ma qaaddeene
Sii soco wadaadyahow intaan, sumuc ku naafaynin.
– Cabdi-Gahayr

Xasan iyo Xuseen baa ogaa xeer u leeyahaye
Xulafooyinkii horeba way, kala xabbaadheene
Xinkii Dheeha lagu gawracaan, xiisaddii hadhine
Seyidkii Xadeed iyo ku furay xarun Daraawiishta

Xer: Waa culimo gaar ugu baxday barashada iyo baridda diinta. Halkan waxa loola jeedaa beesha Leelkase oo magacaas lagu naanayso maadaama ay ahaan jireen dad culimo u badan. Cali-Dhuux ayaa geel kasoo dhacay beeshaas, markii arrinkaas lagu canaantay ee laga wacdiyeyna wuxuu isku difaacay gabaygaas. Waxaa ka muuqata gabayga in Cali-Dhuux yaqiinsanaa sheekhnimada Sayid Maxamed laakiin wuxuu ku diiddanaa wax kale. Ismaaciil Mire waa tuu ku lahaa Cali-Dhuux:

Markii aan Daraawiish jirneed nagu dabraynaysay
Nama duufsan Shiikh Maxamedkii duubka noo xidhaye
Annagaaba diintiyo sharciga daalib ku ahayne.

Cabdi-Gaheyr wuxuu ahaa nin ku caan-baxay geel-qaadnimo iyo goolaaftan dirireed. Waxaa la sheegay inuu geel soo dhacay. Geelii waxaa ka daba yimid oo kasoo ergeeyey nin wadaad ahaa oo ay Cabdi aabbihiina xidid ahaayeen. Markaas ayuu gabaygan ugu jawaabay.

Ee Xodayo geeyn jirey intuu, xamar u heenseeyo
Xaafidal Quraan buu ahaa, soo xajiyey dhawre
Isagaba xaq iyo baadil waw kala xarriiqnaaye
Xaaraan hadduu yahay sengaha kuma xarraaseene.
– Faarax Laanjeer

Haddaba ayada oo Alle xaqiiqda ogyahay, waxaan leeyahay Sayidka iyo Daraawiishtu may ahayn qaar ka caaggan danbiyo iyo khaladaad. Weliba waxaa laga filan karaa qaladaad waaweyn, marka la tixgeliyo duruuftii ay ku sugnaayeen. Hase ahaatee ujeeddadooda iyo is-urursigoodu wuxuu ahaa Islaami, umadnimo iyo waddani. Dadka wax ka sheega Sayidka, ha taageeraan ama ha deedafeeyaane, waxaa ku badan qaar caadifad hadlaya.
Waxa hubaal ah in Sayidku ahaa nin cabqari ah oo ka aragti fogaa dadkii wakhtigiisa joogay isla markaana lahaa himilo aad u sarraysa. Laakiin waxaa iyana hubaal ah in Sayidka iyo Daraawiishtu heli kari waayeen siyaasad habboon oo ay ku kasbadaan umaddoodii ka arradnayd aqoonta iyo maal-adduunyo isla markaana ay kula tartamayeen ummado hankooda, hantidooda iyo hal-aqoontoodu gaadhsiiyeen inay ummado kale raaciyad ka dhigtaan.

Faarax-Laanjeer: Wuxuu ahaa gabyaa caan ah oo geel dhiciddana caad ku ahaa. Mar lagu qabtay geel uu dhacay oo la xidhay ayuu gabaygan isku difaacay.

MURUGTEY LAABTIIYE
Faarax Cismaan Kowte
Dagaalkii reer-Bariga iyo Talyaaniga 1920naadkii.
Gabaygan waxaa tiriyey abwaan lagu magacaabi jiray Faarax Cismaan Kowte oo ku noolaan jiray gobollada badhtamaha iyo bariga Soomaaliya. Taariikhda gabaygu waxay ku beegan tahay 1920naadkii. Waagaasi waa markii gumaystayaasha reer-Yurub ay si buuxda gacanta ugu dhigeen geyiga Soomaaliyeed, kadib markii ay si xun u-jabiyeen dhaqdhaqaaqyadii kala duwanaa ee dagaalka iska-caabbinta ah kala hor-tegay. Waxaa ugu dambeeyey uguna riiq dheeraa dhaqdhaqaaqii Daraawiishta. Jabkii Daraawiishta waxaa loo adeegsaday Soomaali nooc walba lahayd, qabaa’il, siyaasiyiin iyo culimo diineed. Intii dagaalku jiray oo dhan, waxay gumaystayaashu iska dhigayeen nasteexo iyo qaar aan Soomaalida duullaan ku ahayn balse la dagaallamaya “nin waalan” oo “niman waalwaalan wata,” taas oo ay ku luggo’een Soomaalida badankoodu, jirtoo looga digay. Balse markii Daraawiishtu jabtay, waxaa Soomaalida ku bilaabmay gumaysigii dhabta ahaa iyo cabiidin aan hore loo arag. Dadkii oo is-nacay intii dagaalkii Daraawiishtu socday oo aan isu gurman karin ayaa ninba meel laga helay. “Hubka dhiga,” ayaa la faray Soomaali oo dhan. Ciddii ka dhego adaygtayna madaxa ayaa la jebiyey. Haddaba dadkii isku dayey inay iska caabbiyaan gumaysiga Talyaaniga waxaa kamid ahaa beelihii uu xukumi jiray Boqor Cismaan ee Bariga Soomaaliya. Markaa gabaygani wuxuu ku saabsan yahay dagaalkaas dhex-maray reer-Bari iyo Talyaaniga. Waxaanad ka dhadhansan kartaa xaqiiqooyin mudan in lagu cibaaro qaato. Wuxuu yidhi Faarax Kowte:

Cali Maxamadow gabay murtidi, waan ka maaliyaye
Waan idin masuugaye beryaad, iiga muhateene
Mareer-diidka waxa iigu wacan, maanta saan ahaye
Maantiyo kal hore waa adduun, labadi meeloode
Hadba waxa mur soo oran arliga, xaal la moog yahaye Madoobaadayay xalay miyaan, micida soo-feestey

Middoor caara oo kale miyaan, meel kasta u boodey
Mudkey go’aye midigtaan ka jabay, meel xun iyo seede
Milicda aan fadhiyo iyo waxaan, muhasha reemaayo
Miskiin iyo sidaan ahay magaan, xiirey madixiiye
Mashaqooyinkee soo baxay, murugtey laabtiiye

Gobannimo mid weeyee hadduu, meero xariggeedu
Misbaaxiyo haddey kaa demaan, muunaddiyo nuurku
Gacmo maran mugdaa kuu xigiyo, meel xilliyo hooge
Dawladnimo nimaan maalahayn, laga mid roonaaye
Mulki iyo awood iyo waqii, malaha maamuuse
Mucsir weeye maahnaha adduun, magan haloo yaabo

Masalooyinkaan oran jiraa, malagyo keeneene
Dadka gabal mashxarad buu hayaa, loo malqadin xeere
Maqsuud weeye maantiyo dorraad, dhaantana u mirane
Weli ma oga wuxuu maagan yahay, gaalka yimid meesha

Inuu aniga gaar ii mirtey moodayaan weliye
Moodkiyo inuu maalka dhici, run ay maleeyaane
Haddaan hadal murtiyo maamul iyo, marin cad loo yeelin
Miyirkoo ku dhererinin haddaan, odayo loo miirin
Ama muranka baas iyo xumaan, meesha laga saarin
Masalooyin rag maamulahayey murugtay laabtiiye

Mudda hoose xaajada ninkaan mara-dhiggeed heysan
Wuxuu moodi meeshaan ka kacay maro in loo saari
Oo waa maanka laga siib isagu, soo mir-kacay haatan
Majeerteenka hoosiyo Cismaan, way mitidiyaane
Boqorkii la maamuusayaa maasahaw sida eh
Mid adeygga waxa looga haray mudane weeyaane
Meydkiyo raqdoodii ayay murugtay laabtiiye

Manaamada Darwiishkii hadduu diinta marinaayay
Muslinnimada gaariyo ninkii muuminnimo sheegtay
Mansakheeda boolida ninkii noo masala qaadey
Makhrib dumey sidii looga dhigey maqalney eelkiiye

Ogaadeenka Mowliyo Kilwa iyo, Geri la meeleeye
Ley-marag magaalada Jigjiga, oo Amxaar marine
Mareexaanku meeshuu fadhiyay muuro lagu maagye
Mudug oo la meersadey ayay murugtay laabtiiye
Suldaankii mudnaa iyo la qaad muqaddimiintiiye
Nimankii marsada noo fadhiyay meesha laga waaye
Maraakiib sidii loogu guray, muuqan mahayaane
Goortaan magaalada dayaa, maanku ololaaye
Isaaqii magaalada Berbera, Maakhirkiyo xeebta
Nimankii macaash iyo dallaal, badaha miisaamey
Dadku maqal madluun iyo iney, magan ku joogaane
Sidii loo mashiiqsadey ayey murugtey laabtiiye.

WAA DUNI LA KALA IIBSADAY
Faarax Nuur, 1920naadkii
Gabaygan waxaa tiriyey abwaankii halgamaaga ahaa ee Faarax Nuur oo nolol kusoo gaadhay 1930neeyadii. Wuxuu ahaa hal-abuure aad u xeeldheer, halgamaa, abaanduule iyo hoggaamiye qabiil oo caan ahaa. Dhinaca kale wuxuu ahaa indheer-garad iyo Alle-yaqaan laga dheehanayo suugaantiisa haybad iyo caddaalad. Inkasta oo gabayada qabyaaladda ku saabsan ee Soomaalidu ay yihiin wax laga xishoodo oo dulmi iyo deelqaaf buuxiyey, haddana kuwa Faarax Nuur sidaas uma dhadhamaan. Colaad iyo nabadba wuu ka gabyey. Dhinaca waddaniyadda iyo danta guudna kama uu madhnayn.
Wakhtiga uu Faarax Nuur noolaa wuxuu ahaa waagii gumaystayaasha reer-Yurub ku habsadeen geyiga Soomaaliyeed. Sida lagu yaqaan dadka indheer garadka ah, wuxuu Faarax meel fog ka garanayey ujeeddooyinka gurracanaa ee gumaystaha iyo cawaaqib xumada ay ku reebi karayeen umadda Soomaaliyeed. Dhinaca kale waxaa uu arkayey dad maangaab ah iyo kuwo dhuuni- qaateyaal ah oo u dan-qumminayey ma-naxeyaasha shisheeye. Markaa waxaa uu tiriyey gabaygan la magac baxay “Waa duni la kala iibsadoon, nala ogaysiin.” Wuxuu kashifayaa danaha gurracan ee gumaystaha, waxanu waano u jeedinayaa dadka dhuuni yar dartii cadowga ugu dan-qumminaya. Waxaad mooddaa in gabyaagu si gaar ah uga hadlayo markii Ingiriisku soo degayey dooxada Herer oo ahayd meeshii saldhigga u ahayd abwaanka. Wuxuu yidhi Faarax Nuur:

Ingiriis Axmaariyo Talyaani, wey akeekimiye33
Arligaa la kala boobayaa, nin u itaal roone
Anse ila ah aakhiru sabaan, iligyadiisiiye

Orgigaa riyaha taadaxoo34, oodda faaliga35 e
Waa duni hablihii loo ogaa, aqalka diideene
Anse ila ah aakhiru sabaan, iligyadiisiiye

Waa duni la kala iibsadoon, nala ogeysiine
Waa duni akhyaartii go’dayoo, aaran soo hadhaye
Waa duni ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye
Anse ila ah aakhiro sabaan, iligyadiisiiye

Waa duni xaqii la arkayaa, la arjumayaaye
Waa duni akhyaartii lahayd, iib ku doon tahaye
Anse ila ah aakhiro sabaan, iligyadiisiiye

Afka iyo adduunkaa hadloo, aasan sadarkiiye
Ninka gacanta midig oodan tahay, laga ilroonaaye
Anse ila ah Aakhiro Sabaan, iligyadiisiiye

Nimanyahow bal daya xaajada, lala aguugaayo
Odayaashan loo yeedhay ee, la anfac siinaayo
Asaxaabihii bayna yidhi, gaal ha aaminine
Haddaad niman Islaamiyo tihiin, Aadan faraciisa
Oo aydaan Ilaahay ka go’in, hayna oodina’e
Hadduu awrka dooxada ku furo, eel kalaa xigiye
Inaga daaya yaynaan ku dhicin, bahal afkiisiiye

Akeekamid, akeekan, akeekami: Muran
Taadax: Waa ogeynta riyaha
Faalig: Kala kaxeeya.

HABAAR TALYAANI
Guuleed Jucfe Warsame, 1920nadii
Geerarkan waxaa tiriyey Guuleed Jucfe oo ku noolaan jiray gobolka haddeer loo yaqaan Gedo. Waa geeraar lagu habaarayo gumaystihii Talyaaniga oo si aan la xammili karin ula dhaqmay Soomaalidii xornimada ku dhalatay. Xilligu wuxuu ku beegan yahay 1920neeyadii. Waxaa la yidhi markii gobollada Jubbooyinka Ingiriisku ku wareejiyey Talyaaniga, ayuu Talyaanigu bilaabay inuu geelashii ka xareeyo dadkii xoolo dhaqatada ahaa isaga oo kusoo rogay amarro aan la qaadan karin. Geeluna wuxuu ahaan jiray nolosha dadka Soomaaliyeed ee ay ku dhintaan. Waxaaba hore loo yidhi: Soomaalidu saddex ayey aaminsan tahay, diinta Islaamka, qabiilka iyo geela. Waxaa la isku deyey in Talyaaniga lagala xaajoodo amarradiisa la xidhiidha geela, laakiin arrinkii wuu garowsan waayey. Markaas ayey dadkii habaar miciinsadeen. Guuleed Jucfe oo gabyaa ahaa ayaa laga codsaday inuu Talyaaniga habaaro. Arrinkii ayuu yeelay Ilaahayna waa uu ka aqbalay. Horta taliyihii kadeednaa markiiba xilkii waa laga qaaday, 15 sano kadibna waxaa Talyaanigii cagta mariyey dawladdii Ingiriiska oo dalkii oo dhanba ka qabsatay.
Maalintii dad la uumayoo
Nebi Aadan dushiisa
Loo ekaaday quraajo
Ilaahii asmaceenna
Ashahaado ka yeelay
Abaal baan la gudayne
Asxaan waan ka qabnaa

Ayaantii ka dambaysayoo
Ay Qorayshtu irdhowdayoo
Odayaasha la laayayoo
Dulqaffaar la afaystay
Ilaahuu Nuurre ugdoone
Umaddii naga yeelay
Abaal baan la gudayne
Asxaan waan ka qabnaa

Ilaahii afar naasiyo
Ibyar oo ka daloosha
Abeer nooga caddeeyayoo
Amarkiisa ku yeelay
Abaal baan la gudayne
Asxaan waan ka qabnaa

Ilaahii sawjad islaamahoo
Aadmi nooga sokaynin
Aqid noogu xarriiqayoo
Dabadeed ilmihii iyo
Ubadkii naga siiyey
Abaal baan la gudayne
Asxaan waan ka qabnaa

Ilaahii axad roori
Ka abuuray candhuufooo
Dabadeed indhihii iyo
Afka noo kala qaadayoo
Addin xoogle na siiyey
Abaal baan la gudayne
Asxaan waan ka qabnaa

Ilaahii ajasheenna
Indhaheenna ka duugayee
Aleen koora u yeelin
Iimaan nooma sugmeene
Abaal baan la gudayne
Asxaan waan ka qabnaa

Gabayse waa afku leeble
Wadaad waa akhriskiisa
Gobi waa ta ergeysa
Ilaahii cirka uumayoo
Dhulka hoos ka aslaaxshayow
Ilaahaan amarkiisa
Aadmi diidi karaynoow
Ilaahow nin uraayoo
Nebi Aadan ka leexaan
Arrinkii isu keennay
Ilaahow Ingiriisiyo
Amxaartii Shawa joogtiyo
Suldaankuun ka adeejiyoo
Udubkiisa la siibo
Rag armaatiga qaatow
Naxariis il ha saarin
Eydii baando ahaydiyo
Guglahow ka idlaada
Iqiidka iyo bandaaskow
Ibleys haydin dhammeeyo
Afnaqa iyo bowgow
Asmo beerka ku goysay
Siinka meel walba aadow
Idil haw dhaqdhaqaaqin
Baabuurkay ordiyaanow
Omos meelle la jiifso
Markabkii badda aadow
Irjic meel isu taag
Dadkuse waa kala oode
Ninka geela afsaartayoow
Ayaantan aynu joogno
Ayaanteeda kaleeto
Amarkaagu ma gaadho oo
Asma beerka ku goysay.

QOONSADA HALKAA (Xad-Beenaadka)
Muxummed Aw Cabdi Xaashi, 1931
Gabaygan waxaa tiriyey nin la odhan jiray Muxumed Cabdi Aw Xaashi ama Muxumed Aw Cabdi Xaashi. Taariikhdu waa xilli ku beegan 1920naadka dhexdoodii. Waxay ahayd markii la samaynayey waddada xuduudka ah ee kala qaybisa dhulka Soomaalida. Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu u arkayey samaynta waddadaas khatar weyn oo kusoo fool leh umadda Soomaaliyeed. Wuxuu dareensanaa inay tahay dhaxal-wareejin. Wuxuu u arkayey dabin loo qoolayo jiilasha dambe oo cawaaqib xumada ka dhalataa ay umadda saamayn xun ku yeelan doonto. Wuxuu aaminsanaa in joojinta xuduuddaas nafta loo huro oo lagu dagaallamo. Laakiin waxaa loo arkayey nin waalan oo ama dad diiddan ama dano gaar ah leh ama balaayo ka talis ah ama xadhig-maran ah ama aan caqli badan lahayn. Isagii ayaa daalac loo raacay. Laakiin wixii u muuqanayey waxay ahaayeen xaqiiq. Waxaa dareemi kara indheer-garadnimadiisa qofkii maanta nool. Bal ila akhriya gabaygan oo ka fekera garaadkii ku jiray ninkaas. Wuxuu yidhi Muxumed Aw Cabdi Xaashi:

In dhaweydba waa taan qarsaday, qiimigii gabaye
Waa laygu soo qaadayaa, waan ka qaw dhigaye
Abidkayba goortaan qabtaan, qurux u yeelaaye
Qaafada36 horteediyo shirkaan, qun uga sheegaaye
Bal qiyaasa caawana halkaan, uga qormaynaayo

Qooj37 weeye laba gaal hadday, talo qorsheeyaane
Hindigay qafaasheen beryey, qaran ahaayeene
Qarni malaha Yawguba38 markuu qaatay keenada e
Waa tii Surveys39 uu qabsaysay, qamac dharaareede
Waxa horteen sidaa loo qarribay boqol quruumoode
Qoonsada halkaa waxa ku jira qabar laxaad weyne

Qoto iyo Taleex baa40 la simay, qaydkan seeraha e
Sidii qaalmo booliya dhulkii waa la qaybsadaye
Isba qiil banaysuu u yimi qoortan dooga lehe
Wuxuu kuu qabtaba daaye wuu idin qalaayaa e
Sin qooreedkan lay dhigay waddadan lay qoqobadeeyay
Haddii aw qushuucdeen berruu qaadan waa imane
Qoonsada halkaa waxa ku jira qabar laxaad weyne

Qunsulkaa41 la dhigay ceelka Herer qiil kalaa xigiye

Qaafo: Guurti, waxgarad
QOOF: Khoof, cabsi. Labada gaal wuxuu uga jeedaa gaaladii ku tashaday qaybqaybinta dhulka Soomaalida.
YAW: Dadka cawaanka ah. Wuxuu si gaar ah u tilmaamayaa dadkii cawaanka ahaa ee ku noolaa dhulalka Afrika oo gumaystayaashu si xun u addoonsan jireen.
SUWEYS: Waa marin-biyoodka Suweys ama qoorriga Suweys.
QOTO IYO TALEEX: Waa laba meelood oo kamid ah dhulka Soomaalida, gaar ahaan dhulkii Ingiriisku gumaysanayey ee Soomaalilaan. Qoto waa dhinaca galbeed, Taleexna waa gudaha oo dhinaca koonfureed ah. Wuxuu abwaanku la yaabban yahay sida loo soo qaloociyey waddada markii ay ka timid dhinaca galbeed.

Waxba yaanu ii kala qarradhin qoolashaan dego e
Markuu geed qalloocsamaba waan, sii qandhanayaaye
Qayrkay hadday toban yihiin, qodob ma riixeene
Qanjo uma lahaadeen halkane, qaar ayaa wada e
Qoqobaha dhexdiinaba, mar baysugu qudh beeshaane
Qoonsada halkaa waxa ku jira, qabar laxaad weyne

Jarmalkii qadiimiga ahaa qoon uunbaw baxaye
Isaguba qasaarii la baday, quusay oo sabirye42
Waa wixii qatalay reer-Hindiya quudhsi li’idaase
Idinkuna qab laydiin dhigaa, moodaysaan quruxe
Markaan qawl idhaahdaba anaa, i qabsanaysaane
Waa qasuumo iyo yaab afkaa, qidhim i siiseene
Qoonsada halkaa waxa ku jira, qabar laxaad weyne

Murtidaa qallooca u rogteen, qaradna43 loo yeelay
Waa qiiro gelinoo dhulkaa, laysu qoonsadaye
Aan ku baro qiyaamada ninyahaw, ninkii qaalin kaga maalay
Qayrkii ka hadhe waxa tihiin qaday habeenkiiye44
Qarqarkaaga mari maysabaa, igu qardoofteene
Qacdaan anigu eegaa indhaha, qarafka duulaaye
Qoonsada halkaa waxa ku jira qabar laxaad weyne

Qoomiyad ninkii garanayaa, ima qilaafeene
Hadii gaalku uu igu qabsado, oo qoorta iga gooyo
Qawl nimaan la laabmaynin, oon qoofin baan ahaye
Dadkiise aan u qaysho islahaa, qaafilnimadooda
Quful baa ku jabanoo ma oga, qoonta igu taalle
Qasaaraha ninkii ogi haduu, qaban lahaa taase
Qumuntani Allaa garan kolkay, qaadan waanada e
Qodaxdaa xanuunkeedu waa, qaamud kuu maqane
Ha qosleene daa waa dhawbuu, qaxar ka joogaaye.

QONSULKAA LA DHIGAY CEELKA HERER: Herer waa magacii asalka ahaa ee magaalada Hargeysa. Waxa gabayga laga fahmayaa in la tiriyey intii aanu maamulkii gumaysiga Ingiriisku u soo wareegin Hargeysa laakiin markaas un la keenay wakiil ama qunsul.
Halkan waxaa uu abwaanku ku xusayaa dagaalkii koowaad ee adduunka iyo sidii xumayd ee loo galay Jarmalka ee hankii iyo isla weynidii Jarmal loo wiiqay. Dabcan dhibtii gaadhay Jarmalka dagaalkii koowaad waxay reebtay gocasho mar labaad dhalisay dagaalkii labaad
QARAD: Ujeeddo, dan qarsoon oo qalloocan.
Halkan waxa ku jirta tusaalayn maahmaaheed iyo sheeko dhaqameed aad u qoto dheer. Waxaa la yidhi: Waxaa jiri jiray nin aad u maskax badan oo had iyo jeer dadka ka badiya xagga tabta iyo xeeladda. Markaa nin laga caqli badnaa ayaa ku yidhi, “Waar ninyahow qiyaamada i bar.” Markaas ayuu ninkii caqliga badnaa ku yidhi, “Waayahaye, horta hashaada ii soo lis.” Markii uu u lisay ayuu yidhi, “Haddaba qiyaamada i bar.” Markaas ayuu ku yidhi, “Dee waanigii ku baray, markii aan hashaada kaa maalay.” Wuxuu abwaanku ugu duurxulayaa, in dadkii waagaas noolaa lagu qiyaamay samayntii xuduudda oo aanay haba yaraatee macneheeda fahansanayn. Taas waxaa laga dareemi karaa markii 1954 la ansixiyey heshiiskii Ingiriiska iyo Xabashida, markaas ayey qaylo-dhaan ku dhufteen kuwii shalayto kasoo horjeeday indheer-garadkii uu ka midka ahaa Muxumed Aw Cabdi Xaashi.

WAAGAAN DHAWAAQAAYEY
Muxumed Aw Cabdi Xaashi, 1939
Gabaygan waxa tiriyey isla abwaankii tiriyey gabaygii xuduudda. Waa Muxumed Aw Cabdi Xaashi. Markan sannado badan ayaa kasoo wareegtay jeexiddii ama samayntii xuduudda. Waxa bilaabmay dagaalkii labaad ee adduunka oo Talyaaniga ayaa qabsaday Itoobiya iyo Soomaalilaan labadaba. Talyaanigu wuxuu watay ciidamo Soomaali ah oo dadkii arkay ay ka tacajubeen. Waxay ahaayeen mooryaan iimaan-la’ oo aan sinaba la isaga caabbin karin. Talyaanigu wuxuu u sheegay in cuntadoodu tahay waxa ay dadkaas shicibka ahi haystaan. Dadkii waa ay gabagabeeyeen. Ingiriisna waddankii waa laga saaray. Markaa dadkii waxay yaqiinsadeen dhibta weyn ee timid. Abwaan Muxumed Cabdi Xaashi oo talo ku caddaatay ayaa gabaygan mariyey, asaga oo ku calaacalaya, haddii wax la iga maqli lahaa markii aan qaylinayey ee aan lahaa waar xuduuddaas aan iska moosno, haddii markaa wax la iga maqli lahaa maanta dhibtani ma dhaceen.

Waagaan dhawaaqaayey een dhego la’ii yeelan
Dharaartii hadday ila gartaan lama dhaqaajeene.
Maantooy dhanaanaatay bay dhabanka haystaane.

Waxa uu abwaanku faalleeyey waxa dadkii dhib gaadhay iyo xitaa Itoobiya sida dhabarka looga jabiyey. Wuxuu yidhi Maxamed Cabdi Aw Xaashi:

Caliyoow adduun lagu dhintoo dheeliyaan ogaye
Ma dhadhamiyo caanaha liska ah, sida dhukaameede
Sidii dhagar aan qabo oo xabsiga, la iga dhawraayo
Dharaar iyo habeen faalladan, dhabanka haystaaye
Dhag markaad tidhaahdaan hurdada, maba dhakoolayne
Ka dhabriiray haasaawahaad, dholonbiyeyseene
Dhalinyaradu hadalkii naxwa ah, dheg uma qaadaane
Nin dhamaaday baa garan lahaa, dhaabadaan odhane
Bal dhagaysta caawaan rakibay, dhidibadiisiiye
Kol haddii dhulkeenii xadkaas, dhereran loo yeelay
Oo moodhikaar lagu dhibtiray, wada dhabbaynaayo
Dhallaan weeye kii haybiyaa, dhaqasho xoolaade
Dhuuryadan dusheenaa garnayl dhacayey saarraaye
Waxa dhanibaalka lala roorayaa, dhinicii Tuureede
Dhalankii Hawiye loo qabtaa, lay dhexmarayaaye
Sidii dhoocil awraan ka baqan, dhaan in lay raro’e
Baandadan45 dhabbada joogsatiyo, qoriga dhawr qaad ah
Inaan dhaxal wareegnaa kuwani, meesha loo dhigaye
Hadday dhiillo meel soo gashoo, khabarka loo dhiibo
Dhan kastaba haddii ay tihiyo, dhulaan la gaadhaynin
Baabuurro dheeraynayaa, lagu dhaqaajaaye
Oo dheehadoodii isweer, lagu dhab siiyaaye
Oo dhiidhi kii lagu tuhmana, lagu dhirbaaxaaye
Dhayal hayga moodina caddaan, dhaarsan baa yimiye
Waa duni ninkii dhumuc lahaa dhaatay oo kacaye
Af-warqeba46 cishaa lagu dhugtamay ciidankuu dhuraye
Is dhootaalintii reer Walliyo47 dhirifki beenowye

Baando: Waa ciidamadii Soomaalida ahaa ee u dagaallamayey Talyaani oo ahaa niman dooxato ah oo calooshooda u shaqaysteyaal ah oo aan waxba kala soocahayn. Mooryaan iska dhe.
Afwarqe: Waa madaxdii Itoobiya ama Eriteriya mid kamid ah.

Wuxuu Xayle48 dhoofka ugu kacay dhuumashuu bidaye
Ka dhaqaaqe daarii Shawiyo49 dheregii fiicnaaye
Waatay dhalaankiyo hureen, ooryaha udhaxaye
Waatii galbeed loo dhuftay, dhamal u yaaceene
Dhirbaaxadii Talyaaniga ayey, dhego barjoobeene
Annagana dhulkii aan lahayn, dhaafa buu yidhiye
Habaryoonis50 oonbay u dhiman, dhibica dayreede
Geediga Caleenweyn51 ku dhacay, dhaafi kari waaye
Kuwii harada dhalandhoobin jiray, dhamacda jiilaalka
Ayey gaaladii dhiifatooy, Siraw la dhaaftaaye
Caynaashihii52 dhiirranaa, dhacarti loo diidye
Reer Sugulle53 dhaantada Digweyn54, kagama dheelmaane
Dhalooshii farcaamood55 xeryaha, uma dhameeyaane
Dhiilaha karuurka ah martida, looma soo dhigo’e
Dhegcaddii madheedhkiyo la waa, dhuubkii geedaha’e
Reer Daahir56 beel kama dhisaan, dhinacii beereede

Wallo: Waa gobol kamid ah Itoobiya oo ay degaan Amxaaradu, weliba kuwoodii boqorrada ahaa. Waxaa ka muuqda inay ahaayeen dad isla weyn.
Xayle: Waa Xayle Salaase oo markii Talyaanigu dalka qabsaday u qaxay xaggaas iyo Ingiriiska.
Shawa: Waa gobolka barwaaqada ah ee ay ku taal magaalada Arda- Sababa
Habaryoonis: Waa qabiil guud oo macruuf ah, waxayna ugu badan yihiin dhulka Soomaali Galbeed iyo Soomaalilaan.
Caleenweyn: Meel magaceed.
Caynaashe: Waa reer-Caynaashe oo ah qolo ka tirsan Habaryoonis.
Reer-Sugulle: Waa qolo ka tirsan reer-Caynaashe, Habaryoonis.
Dig: Waa harooyin ku yaalla dhulka Soomaali Galbeed.
Farcaano: Waa deegaan ka tirsan dhulka Soomaali Galbeed.
Reer-Daahir: Waa qolo kamid ah beelaha Habarjeco, Maxamed-Abokor.

Dhudhubo57 iyo buuhoodlayaal58, laga dhawaateeye
Dhulbahantii59 fallaagada ahaa, waa la dhaawacaye
Halkuu nugulku dhacadiiday iyo Dhooddi60 laga qaadye
Aduunyadan ninkii aan ka dhiman dhaygag baa diliye
Kolka Dhool da’aa Ciidagale61 kor u dhaguugaaye
Iyadoo Dhegows62 iyo Burcada dhaayin lagu foofshay
Ma dhambalo Qolkii63 gaanihii dhogorta xiisnaaye
Dhaameel tolkay wuxu ku furay dhabarkan Tuur weyne64
Imakay nirgihii dhaadhyi jiray badi u dhuubteene
Hadba waxaan ka dheelimanayaa dhabarka raaxayse
Dhegxumada ku noolow waxaa dhaanta geerida’e
Waagaan dhawaaqaayey een dhego la’ii yeelan
Dharaartii hadday ila gartaan lama dhaqaajeene
Maantooy dhanaanaatay bay dhabanka haystaane
Dhammaantiin Soomaalaay hadday, dholo’di joogtaaye
In Qiyaamihii soo dhawyahoon, dhegiba noolaanin
Iyo gaalka inaan dhoofinoo, dhidibka loo saaro
Labadaas mid uumbay u dhici dhaaxa lala yaabye

Dhudhubo: Meel kamid ah Togdheer.
Buuhoodle: Meel ka mid ah Togdheer.
Dhulbahante: Waa qabiil macruuf ah oo ku aroora Harti Daarood.
Dhooddi: Deegaan kamid ah carro Dhulbahante.
Ciidagale: Waa qabiil macruuf ah oo ku aroora Garxajis Sheekh Isaxaaq.
Dhagoys: Waa meel magaceed oo ku taal Soomaali Galbeed.
Qol: Qoolasha, sida qoolcaday, qoolbuulalle iyo wixi la mida.
Tuur: Waa deegaan Hargeysa ka xiga koonfur bari oo galool badan.

DALKAYAGA ILAAH KAA KEXEE
Talyaani, 1940
Cali Faarax Jaamac “Cali-Tuur”, 65
Gabaygan soo socdaa waa habaar dusha lagaga tuuray Talyaaniga markii uu qabsaday Soomaalilaan. Waxaa tiriyey Cali Faarax Jaamac oo ku magac-dheeraa Cali-Tuur oo reer-Berbera ahaa. Cali-Tuur wuxuu khaati iska taagay tacaddigii iyo dhaqan-xumadii Talyaaniga oo baro-dheeraatay tii Ingiriiskii meesha laga qabsaday. Talyaanigu waxa uu qabsaday Soomaalilaan bishii Agosto 1940, waxanu haystay bilo gadeed, kurbo iyo karkabo xad-dhaaf ah ay shacabkii Soomaaliyeed muteen. Suugaan badan oo dhako-faar muujinaysa ayaa arrinkaas lagu cabbiray, waxaana kamid ah gabaygan habaarka ah ee uu tiriyey Cali-Tuur. Habaarkii abwaanku wuxuu u rumoobay sidii uu Alle uga beryey. Wuxuu yidhi:

Talyanoow sidii duur belbelay, dab isu kaa dhaafye
Degelladu ku wada naaqusoo, dugum lagaa yeelye
Dekedaha wax kugu qayliyaa, kaaga soo dego ee
Duufaan Ilaahay ku geli, sida dabayleede
Deegaanta seeg oo gugaa, da’ay ha noolaanin

Gabaygan sida ay dad looga qaateen ahi ii xaqiijiyeen waxaa tiriyey Cali-Tuur oo reer-Berbera ahaa. Waxase jirta in mudane Idaajaa ku sheegay nin uu ku magacaabay Axmed Maxamed, mar uu idaacadda Codka Mareykanka (VOA) ka hadlayey. Abwaan Axmed Aw Geeddi ayaa kamid ah dadka arrinkaas gaashaanka u daruuray.

Sidii adhi wadeeco u dib jiray, Weerku dabayaacye
Dawgaad martaba kaaga yimid, danab ku xooraaye
Mayl soo dabbaashaa ku qabay, oo waaga soo degaye
Dusha kaaga soo dhace xabbado, sheedi soo diraye
Durriyaadka66 sheekhaannu67 nahay, laga ducaystaaye
Raggii dunida soo wada derderay, kugu dammaashaadye
Dayuuraduhu kaa joogsade, oo dawlad waa noqo ee
Dalkayaga Ilaah kaa kexee, duhur dharaareede
Dibna hawgu soo noqonin, waa kama dambaystiiye

Durriyaad: Waa durriyad oo wadar ah, ubad, farac. Halkan ammaan ahaan ayey ugu jirtaa.
Sheekha: Waa Sheekh Isaxaaq

MAR KU ROGA
Cabdi-Dhukane
Gabaygan waxaa tiriyay Cabdi Xirsi “Cabdi-Dhukane” oo ku noolaan jiray Berbera xilligii gumeystaha Ingiriisku dalka haystay. Waxay ahayd xilli uu halganka xornimo-doonku si balaadhan uga socday Berbera, oo uu Suldaan Cali Kooshin oo ahaa Suldaankii Ciise Muuse ku baaqay in la mamnooco adeegsiga sharciyada Ingiriiska. Sababtu waxay ahayd, in markii hore dadka ay kala xukumi jireen qaaddiyo wax ku kala xukumi jiray shareecada. Markaas ayuu Ingiriisku soo rogay in sharcigiisa lagu dhaqmo. Taas ayaa keentay qaaddacaad iyo iska hor imaad.
Haddaba gabaygani waa dhambaal uu Cabdi-Dhukane u dhiibayo nin la odhan jiray Cabdillaahi-Cawar oo ku socda reer-Hargeysa, oo uu hal-abuurku ku guubaabinayo inay halganka taageeraan. Wuxuu dareensiinayaa in laga macaashayo keeno-diidnimada oo aan lagu khasaaray. Wuxuu yidhi Cabdi-Dhukane:

Haddii aad masaladaan ku faro, maanta iga geyso
Cabdillaahiyoow kuma makalo, mawdku waayadane
Masiibada gudaysiyo fakhriga, maro lagaa saarye
Maqaamkii Saleebaan68 ka gaadh, maalka xoolaha’e
Marka muranka xooggali dhacee, xaqiyo miisaanka
La mushaax macaaneey jannada, Maxamadkeenniiye
Dhulkana haatan murugaa jirtee, mahad ku nooloowe
Marka aad majliskii tagtiyo, meesha lagu jaado
Dhallinyaradu waxay kaa milshiyi, moosinkii gabaye
Sida nimanka muurqanida loo, wada maryaamaaya
Meeqaami luuqdana habluu, haw mashxaradeene
Muslinnimadu qaali bay ahayd, maanta ka horoowe
Niman baa mahoobiyay dhulkoo, maal ku iibsadaye
Minhaajkii Kitaabkiyo sharciga, meeri qaaddiguye
Muqniqiyo Bukhaariga la saar, miiska gaaladuye
Makhribkiyo Cishaa’iga hadduu, maranti wiil keeno
Madbacaadda dhiiseeyadaa, loogu mehershaaye
Maqbuul kuma dhicine sawjadii, way maxlalanyiine
Waa maytinloow caaqilkii, madaxa weynaaye
Marsaday kasoo degi jireen, wiilalbaw mudhaye
Masaar buu u buuxshaa ninkuu, maalintaa dagiye
Ninkuu dheregga maytaamiyaba, wuu kasoo magiye
Iyagaba musbaarrada la tumay, way ku maqanyiine
Waa meherad uu jecelyahoo, maya kafaysaaye
Haddii aan la isaga mid noqon, maylinkii durugye
Mihin bixi Suldaanoow raggii, moodka hayn jiraye
Marku madaxa dhoobada la galay, waa la miinsadaye
Haddii Ciise Muusaha69 majnuun, lagu malaynaayo
Waa muusannaw xaajadaa, nagu maqleyseene
Intaan marantideenniyo hablaha, madaxa loo xiirin
Mar ku roga mareeg-diidka waa, laga macaashaaye

Maqaamkii Saleebaan: Derejadii ama heerkii Nebi Saleebaan – nabadgalyo korkiisa ha ahaatee.
Ciise Muuse: Waa qolo macruuf ah oo ku aroorta qabiilka Habar-Awal ee reer Sheekh Isaxaaq.

***
MAXAA IIGA GIDHIISH AH
Maxamed Nuur-Laangadhe
Gabaygan waxaa la tiriyey 1943kii oo ahayd markii uu gebagebada ku dhawaa dagaalkii labaad ee dunida. Gumaystihii Ingiriiska waxaa muhiim u ahaa sumcadda iyo magac-wanaagga. Wuxuu dagaallo lagu hoobto u geli jiray si ay uga haybadeystaan umadaha uu gumaystaa. Soomaalida dhexdeeda haddii uu ka maqlo cid ka faafisay wax sumcad dil ah, wuxuu kula kici jiray xadhig, dagaal ama inuu abaabulo wax buriya ceebta laga sheegay. Tusaaleyaal badan ayaa lasoo qaadan karaa. Waxaaba ah mid ah oo aan la illoobi karin wixii Cabdi-Gahayr ka raacay gabaygii Qoorriga Suweys ee uu xaaskiisa ugu caqli-celinayey. Dhinaca kale si weyn ayuu uga faa’iidaysan jiray dadka aftahanka ah iyo kuwa magaca ama meeqaanka leh si ay u hormariyaan ujeeddooyinkiisa oo sumcad-dhisku kamid yahay. Abwaannada Soomaaliyeed wuxuu ku dhiirrigelin jiray maal iyo maamuusba si ay isaga u ammaanaan, cadowgiisana u sumcad dilaan. Taasi marar badan ayey u hirgashay. Laakiin markii ay soo gaadhay abwaanka kor ku xusan, waa ay dhicisowday kaartadii Ingiriisku. Ingiriisku wuxuu ka codsaday abwaanka iyo abwaanno kaleba inay ka gabyaan guulihii ay Ingiriiska iyo xulafadiisu kasoo hooyeen dagaalkii labaad ee adduunka, ayaga oo guulihii Ingiriiska iyo jabkii Jarmalka ku qoraya far waaweyn dabcan.
Abwaannada waxaa loogu abaal-gudayey go’yaal baahi weyn loo qabay berigaas, maadaama adduunka bad xidhan ka dhacay.
Abwaan Maxamed Nuur-Laangadhe oo ahaa nin waddani ah oo iimaan qaba, arrintaasi way cuntami wayday. Waxaanu go’aansaday inuu madasha ka gabyo laakiin gabaygiisu noqdo mid ku liddi ah wixii laga rabay, isla markaana ka turjumaya iimaankiisa iyo aragtidiisa dhabta ah. Idaacadda Raadiyow Hargeysa oo markaas cusbayd, wax kastana si toos ah ayaa looga sii deyn jiray. Markaas ayuu soo fadhiistay abwaanku. Wuxuu ka hadlayo lama sii ogeyn waxaase la filayey ammaantii guusha Ingiriiska. Wuxuu yidhi:

Mar haddaan gurigayga
gidhligaanka* gariiriyo
Garnayl* loola tagayni
Iglan* baa gubanaysa
Maxaa iiga gidhiisha

Gudaha ceelka Hargeysa*
Weligay gees uma dhaafin e
Bal maxaan laba gaal oo
Abtirsiimo gudboon
Midkood guusha u siin
Midna aan u gumeyn
Maxaa iiga gidhiisha?

Gudaha ceelka Hargeysa
Waligay gees uma dhaafin e
Inta aan wax gasiintiyo
Intaan gaajo ku seexday
Hadii aan isu geeyo
Mala waa isku gow e
Maxaa iiga gidhiish ah?

Mar haddaan ka gabyay
Go’aygiina ka qaatay
Maxaa iiga gidhiisha?

*Gildhigaan: bunduq ama qori ka mid ahaa hubkii waagaas la isticmaali jiray
*Garnayl: waa hub gacanta laga tuuro oo qarax weyn, qasaare badanna dhalin kara.
*Iglan: dalka Ingiriiska
*Hargeysa: Magaalo madaxda Somaliland, isla markaana ah magaalada labaad ee ugu weyn uguna dadka badan magaalooyinka Soomaalidu degto, qarnigan. Waxa hore loo odhan jiray Herer.

RAQDII SHEEKH BASHIIR
Xaaji Aadan Afqallooc, 1948
Gabaygan waxaa tiriyey Alle ha u-naxariistee Xaaji Aadan Axmed Xasan oo ku magac-dheeraa Xaaji Aadan Afqallooc. Xaajigu wuxuu ahaa halgamaa, aqoonyahan, caalin diimeed iyo gabyaa. Ilaahay waxaa uu ku mannaystay cimri dheer. Dawladdii Cismaaniyiinta ayuu xilal kasoo qabtay, gaar ahaan faraceedii Yemen. Dawladda Cismaaniyiintuna waxay burburtay 1924. Wuxuu meelo badan kula soo diriray gumaysigii Ingiriiska, gaar ahaan Falastiin iyo Suudaan. Asaga oo nin weyn ah ayuu dalka dib ugu soo laabtay. Markaa wuxuu bilaabay olole wacyi-gelin ah oo ka dhan ah gumaystayaasha ku habsaday geyiga Soomaaliyeed, gaar ahaan Ingiriiska. Haddaba xaajiga oo aan ka yarayn 80 jir wuxuu usoo taagnaa dilkii Sheekh Bashiir loo geystay iyo sidii arxan darrada ahaa ee Ingiriisku ula dhaqmay iyo sidii damiir la’aanta ahaa ee dadkii Soomaaliyeed uga dhiidhiyi waayeen. Markaa waxaa uu tiriyey gabaygan la magac-baxay Raqdii Sheekh Bashiir. Wuxuu yidhi Xaaji Aadan:

Duhur baa Bashiir* lagu shannaqay*, daar agtiina ahe,
Damal* la hadh galaabay jabsheen waqay* dulloobaane
Dahriga iyo laabtay rasaas, kaga daloolsheene
Isaga oo dem* iyo dhiig leh, oo maro ku duu-duuban,
Dadkii uu nebcaa iyo kufri baa, daawasho u yimide
Dacsad* iyo ihaaniyo cag baa, loogu sii daraye.
Meydkiisa daahiran markii, debedda loo jiiday,
Ee aaska loo diiday, waa wada dul joogteene.
Ma damqane jidhkiinii markaa, waa ku digateene
Nasab haddaad durriyaddii* tihiin kama dareerteene
Ma duugoobin Qaybdiid* lafuhu, waanay duxayaane

Duur* looma jabin geesigii, dirirta waallaaye
Wax badan oo ciyaar lagu diliyo, dawgal baa jiraye,
Oo aan deero deero u hirdiyin, sida digaaggiiye
Isaga oo dulmiga aad qabtaan dood ka celinaaya
Da’dii uu ahaa Faarax* baa jeelka loo diraye
Immakuu siduu dayro yahay, debedda meeraaye
Loo diid durriyadduu dhaliyo, duunyaduu dhaqaye
Gobanimo duqii Cali Bahdoon*, doonisteed dhimaye
Tilifoonna* waakii dawakhay, doorkii uu yimide
Dacwad iyo wuxuu hadal yiqiin, idinka daw waaye
Wax badan baa karbaash lagu dirqiyey, duq iyo wiilkiine
Nin gadhkii camuud loo daroo, dabada loo xayday
Oo ulo dubka iyo jiidhka suga, lagu dalliigaayo
Oo kuman dadkiisii ahaa, daawasho ujoogo
Oo aan la diidine farxaan, lagu dareeraayo
Waa dabac idiin gooniyoon, duulla waafiqine
Afdalleela iyo baad shubtaan, diin la iibsado’e

Bahal cadarku dilayaa jiroo, digo shifaysaaye
Idinkana daliilkiyo wacdigu, waydin didiyaane
Dulli inaad tihiin buu hubsaday, diinta caasiyaye
Dahab buu ku iibshaa dhulkaad, dir u lahaydeene
Hore haddaad u dirirtaan haddaan, nin idin daareene
Doqonnimadiinii horay, darafku haysaaye
Dambarsada haddaa xaabadii, laysu soo degaye
Ummaddaan xorriyad doonan ee, daafac noqon wayda
Dadku inuu addoonsado horaa, loogu daabacaye
Dabka naarta fulahaa wax gala, ugu dambaab weyne
Dunjiga Aadan ubadkuu dhalaad, ugu dambaysane
Wixii aad ku dacafteen, qalbigu saw iskama daayo
Dib maxaa idiin celinayoo, hore idiin diiday
Mar uun maad ku dayataan khalqiga, libinta doonaaya
Dabka qaaday sharaqii* wax badan, daamishka* ahaaye
Turki inuu Bulgaariya daguu, duunka ku hayaaye
Dardaniil* ka xidhey Ruushankay, deris ahaayeene
Wax badan buu dariiq inu ka helo, doonay Malatoofe*
Ka duuduubey Faransiis, dhulkii Suuriyuu degaye
Dergedihii Lubnaan iyo ka guur, degelkii Beyruude.
Deeq kama ahaanine bir baa, daanka loo sudhaye

Dejla iyo Furaat Ferenjigii, kama dekeeyaane
Dahraan iyo ka kece ceelashay, wada degmaysteene
Dirir iyo jihaad Maxamed Rida*, uga dambaysiiye
Wuxuu Faysal* taarka ugu diray, daawo iyo jaare
Ingiriis wuxuu damacsanaa reer Hindiya diidye,
Daarihii Bunjaab* iyo ka kace, dahabkii hoos yiile,
Daymada hadeer bay indhuhu, dib u jalleecaane
Damaashaadku waa Maxamed Cali,* loo dabbaal degaye
Masarna waa horaa laga diriyo, dawgii qoorriga e
Iskandariya kama soo degaan, ducuflihii gaale
Dakhiirad iyo saabaan wixii, dirirta loo keenay
Faaruuq* u dacaree inay, dabar ka qaataane
Dadoo idili soo eri ninkii, daallinka ahaaye.
Dayaarado wax lagu soo guriyo, May* wax lagu doono
Daad xoorta oo idil halkaanaa lala damcaayaaye
Dekedaha maraakiib shixnadan, baa ka soo degiye,
Waa dooyo nimankaa u kacay, Dig iyo Ceeldhaabe
Dable dhagaxa uu doonayaa, waa dusmiyo xeele
Danta iyo qasdigu waa horseed, laga dambeeyaaye
Dabayshiyo ayaxu waa dhunkaal, laysku dagayaaye

Wax daliil ah maabkuu* diruu, soo duwaay yidhiye
Dawlaabta* boqol fayl ka badan, daafta waxa yaalle
Inay duuddu dacar yeelatuu, doonayoo helaye
Wax dawanan dariiqiyo halkay, Debec* ku fooftaaye
Daliig cawsa meel aan qornayn, deelka laga waaye
Dacasha* iyo xaynbooradaa*, buug ku daabacane
Dabin baa sitaar looga dhigay, man* iyo doomaare*
Daaqiyo biyaha waxa la xidhan, eegga dabadeede
Halka daawad* xeradeedu tahay, gaaladaa degiye
Dad-guuraagu goortuu madhaa, dabar-go’aysaane
Nin dayuurad iyo moodhar laa, beer idiin dirane
Durgufkiina soo hadhay, waxaan doonayuu garane.

Wax badan baan damiin dhega la’aa, daasaddaw tumaye
Amba nimay indhuhu ay damyiin, day waxaa idhiye
Caammiye nin daadihinayuu, diidayaan ahaye
Dab-baan mooday gaaraabidhaan*, dayrnadii hore’e

Dacar iyo Unuun baan macaan, ugu dudaayaaye
Doofaar ilkihii baan u filay, Dur iyo Yaaquude
Dambas iyo ramaad baan intaa, naar ka deyayaaye

Dawliilka waxad shaabahdaan, dad iyo iinsaane
Balse waxaydun daawa u tihiin, habar dugaagiiye
Hadba kii idiin soo digaa, dabin u qooshaane
Dafdafiyo kulayl waxan la imid, dacastay laabtiiye
Idinkiyo dinnaduhuba horaw, damac xumaateene
Midna darajo kuma haysataan, labada daaroode

Gobanimo dalleel lagama helo, daar adoo gala’e
Haddaad doono leedahay naftaa, diiq la geliyaaye
Waa mur iyo deebaaq waxaad, dib ugu aydaane
Marse haddaan waxaan doonayiyo, dawladnimo waayey
Dantay weeye inan aamusaa, eegga dabadeede
Dulligaa ku jira noloshu waa, idinku deelqaafe.

*BASHIIR: Waa Sheekh Bashiir Yuusuf. Wuxuu ahaa Sheekh geesi ah oo cilmiga diinta fahmay. Wuxuu ka dhiidhiyey gumaysigii shisheeyuhu ku hayey umadda Soomaaliyeed. Waxaase garabkiis ka baxay kuwii u hiilin lahaa. Xitaa culimadii ayaa la fahmi wayday oo u arkay in isku maqiiqaya wax aan tamar loo hayn, waxaanay u soo jeediyeen in diinka lagu akhriyo oo Alle la baryo uun. Laakiin wuxuu ku tusaaleeyey in aanay kala hadhahayn “ficilka” iyo diinta oo la akhriyaa. Aakhirkii Ingiriisku waxay dileen Sheekh Bashiir 1947, ayaga oo diiday in la aaso. Sheekh Bashiir maanta waa la wada yaqaan, waana loo duceeyaa, tafiirtiisiina waxaa lagu xushmeeyaa isaga dartii. Kuwii garabkiisa ka baxayna waa ay dhinteen sidiisa oo kale laakiin ayagu waxay ku abaadeen qashin-qubka taariikhda. Ninkii la odhan jiray Caydiid Lafcanbe oo cabbiray murugada uu ka qaaday dilka Sheekh Bashiir wuxuu yidhi:

Rakiig baan noqdaa bari markuu, ruux kasoo galo’e
Halkaad igu ruxaysaan qalbiga, waan kasoo raraye
Nin raqdii Bashiir ogi Togdheer, uma riyaaqeene

*SHANNAQAY: Shannaq waa erey af-Carabi ah oo macnihiisu yahay dil deldelaad ah.
*DAMAL: Waa geedka weyn ee hadhka badan ee lagu nasto hooskiisa
*WAQAY DULLOOBAANE: Ha dulloobeen, Alle ha dulleeyo ee.
*DEM: Waa erey af-Carabi ah oo macnihiisu yahay dhiig.
*DACSAD: Gacanta hoosteeda.
*DURRIYAD: Dad wanaagsan, dadkii kasoo farcamay dadka wanaagsan, Aalu-Beyd
*QAYBDIID: Waa qaybdiid Xirsi Guuleed oo kamid ahaa halgamayaashii hoggaaminayey jihaadkii Sheekh Bashiir. Ingiriiska ayaa dilay.
*DUUR: Waa geed bur ah oo wada ulo ah oo ulihiisa laga sameeyo aloolka iyo wixi la mida.
*FAARAX: Waa Faarax Oomaar.
*CALI BAHDOON: Wuxuu ahaa halgamaa u tafo-xatay gobannimada dadka reer-Jabuuti.
*TILIFOON: Waa Jaamac-Tilifoon oo ahaa nin qurbaawi ah oo u doodi jiray xuquuqda dadka Soomaaliyeed u leeyihiin inay ka xoroobaan gumaysiga.
*SHARAQ: Waa reer-Bari.
*DAAMISH: Degemsan, hurda.
*DARDANIIL: Waa marin-biyood u dhexeeya Ruushka iyo Turkiga.
*MALATOOF: Malatov, waa wasiirkii arrimaha debedda Midowgii Soofiyeeti ee xilligaas.
*MAXAMED RIDAA: Waa boqorkii Eeraan ee wakhtigaas.
*FAYSAL: Waa boqor Faysalkii labad ee Ciraaq.
*BUNJAAB: Waa gobol kamid ah dhulka Hindiya.
*MAXAMED CALI: Waa Maxamed Cali Jina, aasaasihii dalka Baakistaan.
*FAARUUQ:
*MAYL: Waa markabka.
*Maabka la duway waa xuduudda kala qoqobta dhulka Soomaalida, gaar ahaan tan kala qaybisa Soomaali Galbeed iyo Soomaalida kale.
*DAWLAABTA: Khaanad, armaajo, kabadh, meesha lagu xareeyo dhukumentiga ama alaabooyinka kaleba.
*DEBEC: Waa hal magaceed oo loola jeedo geel.
*DACAL: Waa sumad xoolaha lagu calaamadiyo oo ah dhegta oo hoosta laga kala jeexo.
*Xaynbooro: Waa summad geela lagu calaamadiyo oo lagaga dhigo cududa ama garabka.
*Man: Waa ubaxa dhirtu bixiso marka roobku helo kadib.
*Doomaar: Caws.
*Daawad: Waa hal magaceed oo loola jeedo geela oo dhan.
*Gaaraabidhaan: Waa xasharaad aan dukhsiga ka weynayn oo marka uu habeenkii duulayo, bixiya iftiin big-wac ah.

SULDAD XABASHIYEED (Ma-Hadho)
Xaaji Aadan Afqallooc
Gabaygan waxaa tiriyey Xaaji Aadan Afqallooc oo ahaa sheekh caalim ah, gabyaa xeeldheer, halgamaa iyo waddani aan isaga oo kale la arag. Wuxuu kaga hadlayaa dhaxal-wareeggii Soomaalida kasoo gaadhay dhulkii taariikhiga ahaa ee Soomaali Galbeed. Dhaxal-wareeggaasi wuxuu ahaa marxalado kala duwan. Mar walbana waxaa gumaysiga Xabashida ku ladhnaa Soomaali. Dhaxal-wareeggaas dhulka Soomaalidu, kumuu hirgelin si ciyaar ah ee waxaa wehelinayey dhiig-bax, xasuuq iyo cadaab adduunyo oo loo geystay dadka. Xaaji Aadan wuxuu gabaygan uga danlahaa sugitaanka taariikhdaas xanuunka badan, si ciddii awood u yeelataa ugu xisaabtanto mustaqbalka. Waxyaalaha uu abwaanku xusayo waxaa kamid ah: xasuuqii culimadii Harar, xasuuqii Dhagaxbuur, xasuuqii reer-Ashica, xasuuqii Awaare Afdam iyo xasuuqii Leegada ee Jigjiga. Wuxuu yidhi:

Qarnigii siddeed-iyo-tobnaad, sanac xumaantiisa
Siddeetan iyo dhawr sano, waqtiga saaka laga joogo
Oo uu saancaddii qarab* arliga, sabab la’aan boobay
Oo idinka idin siiyay*, qaar aradka Soomaali

Sodcaalka uu Jermaaniya ku tegey, saaxirkii Menelik*
Afriiqiya* sidii loo dhacaad, sabab ahaydeene
Midow oo dhan waxaad siisateen, sooryo maalin ehe
Sirtaa naga gasheen baa aheyd, sun iyo waabay ee
Sina uma qaddarin midabka iyo, soohdin iyo jaar ee
Gumeystaha dadkaan ula sinneeyn, soo degoo yimide
Wax saayid ah addoonsiga madoow, kugu sameeyaaye
Xaqqana lagama seexdoo nin lihi waw sid tiriyaaye
Kolkay soo martaa buu wuxuu, sugayay doontaaye
Samir iyo Allow maleh sidaad, noola dhaqanteene
Waa ma hadho saanqaadka kora, lala sugaayaaye
Dhiig saafiyaa loogu qoray, saan biciid adage
Duq kastaaba sabiguu dhaluu, saa ogow yidhiye
Gartayadu xuduud kuma sinna iyo, soohdin iyo jaare
Waa saamigaad qaadateen, sabankii Baarliine
Sakarashada iyo quudha iyo dilkuba, saamaxaad malahe
Isticmaarku waa kala sifee, kiinu waa suruqe
Sahyuuniga iyo Suud Afrika*, iyo saaqidka Ismiidh ah

Saddexdoo israacay baan faleen, waxaad samayseene
Seeddi iyo abti iyo waalidiyo, sowjad iyo hooyo
Kala soocde qoys keli ah oo, seeda wada yaalle
Suldaan amar leh sheekh saahid ah, iyo seen caddaa odey ah
Soddonku ninuu u buuxiyo, haween sida carruurtooda
Sirqo habar ah inan seerateyiyo, kuwo sagaal jooga
Ayagoon saxarna dhimin baad, dhammaan sibiq u leyseen
Sarrafyidhi Amxaar jamac dhan, oo wada sujuudaaya
Saqiirka iyo umulahaad disheen, malaha soo qaade
Kun baa subax disheen aamin ah, oo seexdey oo kacay
Saddex boqol ka badan culimadii, suuqa Harar tiille
Iyaga oo salaad jamac galaad, seefku mariseene
Saqda laylka dhaxe waxaad gasheen soolkii Dhagax-buur e
Samada iyo dhulkaba ciidankii, riday sawaariiqda
Kama seydhin ruux keliya oo, joogay subaxaase
Sujaacdii Awaare afdam ee sida xun loo laayay
Saxariiradii naagahaan, weli sasayaaye
Saqiir iyo kabiir reer Ashaco, oo nabad kusoo hoyday
Sardhaday galeen baad qumbulad, sun ah ku tuurteen ee
Surimada Jigjiga Leegadii sida xun loo laayay
Surkaad wada jarteen wiilashii, timaha soohnaaye
Saqajaanka beesha iyo guryaha, socod xumaantiina
Nin sidaa ku dhaqanteen ogaa, waa siqsiqiyaaye
Suldad Xabashiyeed nimay heshaa, waa sac kuu taliye
San ku neefle aad is shaabahdaan, baan dunida saameeyne
Saxi maayo axad sheeg is yidhi, sidaad sameyseen

*Qarab: Waa erey af-Carabi ah oo la macno ah reer-Galbeed.
*Cidda dhulka Soomaalida la siiyey ee halkan lagu xusayaa waa Xabashida
*Menelik: Waa boqorkii Xabashida u talin jiray min 1889 illaa 1913. Waxaa lagu xasuustaa qabsashadii Harar, kaniisad u rogiddii Masaajid-Jaamaca Harar iyo warqaddii uu u diray reer-Yurub ee ahayd inuu yahay jasiirad Kiristaan ah oo ku dhex jirta bad Muslin ah. Waxaa lagu ammaanaa boqorkii boqorrada Itoobiya iyo mideeyihii.
*Afriiqiya: Afrika oo af-Carabi ahaan loogu dhawaaqay.
*Suud Afrika: Waa Koonfur Afrika oo af-Ingiriisi ahaan loogu dhawaaqay. Waxaa berigaas ka jiri jiray xukun midabtakoora oo gumaysi ah oo dad yar oo caddaan ahi ay si xun u cabiidsan jireen dadka madow ee Afrikaanka ah ee dalka iska leh.

GUUBAABADII YUUSUF XAAJI AADAN QABILLE
Yuusuf Xaaji Aadan Qabille, wuxuu ahaa aqoonyahan, suugaanyahan, halgamaa iyo indheergarad. Waxaa aad loogu xasuustaa dhinaca tacliinta oo waaba shakhsiga labaad ee waxbarashada dhinaca iskuullada lagu xasuusto. Dabcan qofkii koowaad wuxuu ahaa Maxamuud Axmed Cali oo macallinkiisa ahaa.* Labadoodaba dhibaato ayaa kasoo gaadhay halgankoodii ay u galeen sidii dadku wax u baran lahaa. Sidaa darteed ayaa loogu kala magacaabaa aabbihii koowaad ee waxbarashada iyo aabbihii labaad ee waxbarashada. Yacnii Yuusuf Xaaji Aadan wuxuu ahaa aabbihii labaad ee tacliinta iskuullada Soomaaliyeed. Halgankii iyo dhibaatooyinkii uu arrinkaas u maray waxaan akhristayaasha kula talinayaa inay ugu noqdaan buugga ay qortay Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ee ay ugu magac-dartay, “Geeddi-Nololeedkii Yusuf X. Aadam.” Laakiin waxaan halkan idinku dhadhansiinayaa halgankii dhinaca gobannimo-doonka ee uu suugaanta u adeegsaday wax kamid ah.

*Qoraaga Maxamed Baashe Xaaji Xasan wuxuu igu biiriyey in Maxamuud Axmed Cali iyo Yuusuf Xaaji Aadan ay caan ka ahaayeen gobolladii Ingiriisku gumaysanayey xagga waxbarashada laakiin dhinacii Talyaaniga waxaa ka jiray aabbo tacliineed oo kale oo lagu magacaabi jiray Aw Jaamac.

Dagaal Nimuu Haysto Meel Halisa
Yuusuf Xaaji Aadan, 1948
Hadhuub nin sitoo, hashiisa irmaan
Ha maalin la leeyahaan ahay
Nin hawd degayoo, harraad ku diloo
Biyaha laga heegayaan ahay
Habaas nin dhex jiifa oo ku haftoo
Hayaankii kasoo hadhaan ahay
Dagaal nimuu haysto meel halisoo
Hubkiisu hangool yahaan ahay
Wixii ku habboon nin haabanayoo
Bahdii ka horjoogsataan ahay
Nimaan hadalkiisu hadh-qooflaalkiyo
Haweenkaba dhaafin baan ahay.

Hub Samayso Soomaaliyeey
Yuusuf Xaaji Aadan, 1949
Ingiriis Hargeysuu degiyo, hilinnadeediiye
Wax Talyaani weli haybiyaa, hoosadii Xamare
Faransiis Jabuutuu hurdaa, idinku hiifaaye
Wax Maraykan hawdka u maraa, waa horseed yimiye
Waakaas dhulkeenii hantiyey, hooliflow Xabashe
Hub samayso Soomaaliyeey, lagu hareereeye.

Gobannimo Intay Laalantahay
Yuusuf Xaaji AAdan, 1953
Inta uu gumaystuhu arlada, gebagabaynaayo
Gaaladu intay ii fadhido, guriga coonkiisa
Intay gibili weli saarantahay, aniga guudkayga
Gobanimo intay laalantahay, gebi ahaanteedba
Intay guushu ii muuqatee, labantay gacantu
Ee goonyaha Jabuutiyo Wajeer, la iga goobaayo
Inta gaadhku igu meersanyahay, gumucna lay haysto
Gasiinkiyo anfaaciguba way, goha dhunkaaleede
Ninkay gaajo haysoow aduu, gorofku kuu yaalle.

WAAN IRDHAYS-NAHAY
Gabaygii Fiinta
Cali Xuseen Xirsi, 1954
Gabayada xusuusta gaarka ah leh ee Cali Xuseen Xirsi tiriyey waxaa kamid ah gabayga Fiin oo sida ka muuqata uu tiriyey sanadkii 1954kii markii la dhaxal wareejiyey dhulka Soomaali Galbeed. Gabayaagu wuxuu gabaygiisan ku waraysanayaa shimbirta loo yaqaanno fiinta oo uu arkay iyada oo aad u ooyaysa. Gabayaagu gabaygiisa wuxuu ku caddaynayaa in shimbirtani ka ooyeyso dalkeedan la dhaxal wareejiyey halka qaar kamid ah dadkiisii ay weli ku mashquulsan yihiin qabyaalad iyo qolo qolo, waxaanu yiri:

Fiin yahay adaa ololayoo, oohin ciirsadaye
Haddii aan laguu imanin waad, aammusi lahayde
Maxaad aragtay waan kula qabaa, uur-ku-taallada’e?

Waxay tidhi, “Ilaahay haddaad, aad u garanayso
Oo aad Islaam tahay i daa, waan irdhaysnahaye.”
Waxaan idhi “Qofkii i abhiyaa, wuu ammaan heliye
Ashahaadda iyo waan aqaan, aayadii Nebiye
Hayeeshee ilmada kaa dhacdiyo, umalka guudkaaga
In yar iiga sheeg waxaan rabaa, inan ogaadaaye.”

Waxay tidhi, “Inkaar buu ku go1ay, odagi Soomaale
Awlaaddi uu dhalayna waa, sida adoogoode
Hadday ul iyo diirkeed yihiin, rag iska eegaaya
Afrikadan ma joogeen nimaan, aabbe ku lahayne
Ayax kuma dhaleen kaymihii, ubaxa weynaaye
Anna aydii aan joogi jirey, kama abraareene.”

Waxaan idhi, “Irdii nalaga qaad, aad ahaan jiraye
Waataa la kala iibsadaan, nala ogeysiine
Ooddaaba laga goynayaa, Idhankii Laasoode
Meeshaad ilmaa dhigan lahayd, uun kalaa degaye.”

Waxay tidhi, “Dhulyahow eheledaa, ma laha iimaane
Ilaaleeyey oo dunida waa, ugu il liitaane
Iyagaa ableyda isu sida iyo eebo xoog badane
Intey Ayro kala qaadayaan, aarsan mahayaane.”

Waxay tidhi, “Ilaahay hadduu, duul arrin u diido
Oo uu Ibleys gebi ka rido, sooma ururaane
Qalbigii engegey waanaduu, orod ku dhaafaaye
Goormaa inkaartani heshey ee, lagu alhuumeeyey?”

Waxaan idhi, “Arbiyo laguma oga, geesi aynaba’e
Iniinaha kelyaha iyo wadnaha, iini kaga taalle
Aanada tolkood bawga roon, uumiyaa kale’e
Maxaan ararta kaga daalayaa, edeg na loo gooye.”

TAA MIYAAN LA ARKAYN?
Cali Xuseen Xirsi
Abwaan Cali Xuseen Xirsi oo ahaa shakhsi ka dhex muuqday gobannimo u-dirirkii umadda Soomaaliyeed, waxaa dhib weyn ku hayey dadkan uu xorriyaddooda iyo xuquuqdooda u dagaallamayo ee haddana cadowga u dhuun-daloola. Waxaa badanaa dadka gumaystaha u adeegi jiray, waxaa jiray qaar u basaasi jiray, waxaa jiray qaar u shaqayn jiray, waxaa jiray kuwo u arkayey gobonnimo-doonka qaar jar-iska-xoor ah. Haddaba waxaa lasoo wariyey in maalin ay kulmeen odayaal gumaystaha wax la cuni jiray iyo madaxdii ururkii Leegada ee gobannimo u-dirirka ahaa. Markaas ayuu shirkii ka tiriyey maansadan yar ee uu ku hoga- tusaalaynayey odayaashaas Soomaalida ah ee haddana cadowga la saaxiibka ah. Wuxuu yidhi Cali Xuseen Xirsi:

Akhyaartaas i maqlaysiyo
Odayaasha tan joogoow
Sida awr hayinoowbay
Oo alaabtii qubi waayey
Umaddaa la raraayo
Ee usha loogu daraayo
Ma waydaan arkahaynin?

Webiyaashan Asayliyo*
Jannaala kan agteenna
Siduu abeeso dilaayo,
ragguu laayey Abeelle*
ee la dhacaayey Alwaaxa
ee Afka dhiiggu da’aayiyo
agoontii yaryaraydee
aabbihii korinaayey
uu ka gooyey unuunka
Miyaan taa la arkaynin?

Hableheennii ugbaa iyo
Ooryihii aad qabteenee
Markii ay umuleen
Laga tuuray ilmaayee
Lagu abuur-falanaayey
Taa miyaan la arkayn?

*Asayle: Waa Kelli Asayle oo ah gacan-biyood biyaha webiga lagu gaadhsiinayey meelo fogfog si beeralaydii Talyaaniga iyo mashaariicdii beeraha ee Talyaaniga biyo loogu helo. Wuxuu ku yaal meel u dhow Qoryoolay. Waxaa si qasab ah loogu qodi jiray dadka Soomaalida ah, ayada oo la jidh-dili jiray, la gaajaysiin jiray oo si daran loo ciqaabi jiray. Waxaa la sheegay in muddo yar ay ku xasuuqmeen 26000 oo Soomaalidii lagu shaqaysanayey ah. Dhimashada faraha badan ee ku imanaysay dadkii lagu qodayey gacankaas ayaa sababay in loo bixiyo Asayle ama Kelli-Asayle. Maxaa yeelay dumar badan oo raggooda lagu shaqaysanayey ayaa qaaday asay. Fiiri Dktr. Saadiq Enow “Dhalashadii iyo Dhabarjabkii Soomaali Weyn 4.”
*Abeelle: Waa magac nin Talyaani ahaa oo gumayste ahaa.

***
MAANYARIDU SOOMAALI WAA
Yuusuf Cismaan Keenadiid
Gabaygan waxaa tiriyey abwaankii waynaa ee Yuusuf Cismaan Keenadiid. Taariikhdu waa dabayaaqadii 1950naadkii. Geyiga Soomaaliyeed oo dhan waxaa gumaysanayey quruumo kale. Dhaqdhaqaaqyadii gobannimo u-dirirka ahaana waa la dhexgalay oo waxaa ku milmay qaar dabadhilifyo ah oo gumaystayaasha gacan-saar la lahaa. Kuwaas ayaanay markiiba gumaystayaashu kor usoo qaadeen si ay ugu sii dhiibtaan xorriyad ku meelgaadh ah oo ay lasoo noqon karaan markii ay doonaan. Haddaba cadaawaha umadda Soomaaliyeed iyo cawaantoodu waxay yaqaanniin meesha umadda Soomaaliyeed ka nugushahay ee laga wareemi karo ama laga xagal daacin karo. Dabcan waa qabyaaladda. Markaa ururkii ugu xoogga badnaa dhaqdhaqaaqyadii gobannimo-doonka ee la odhan jiray Es.Waay.El (SYL) ayaa la dhexgalay markii ay guushii soo dhawaatay. Khaakhuul qabiil ayaa laga dhex oogay. Markaa abwaanku wuxuu isku deyayaa inuu dadka waaniyo, isaga oo iftiiminaya meeqaanka liita ee Soomaalidu ka taagan tahay dareenka Somaalinimada iyo Islaamnimada labadaba. Wuxuu yidhi:

Maan-yaridu Soomaali waa, meheraddeediiye
Maslaxaddeeda garan-weydey iyo, marinkii toosnaaye
Macnahay ku noolaan lahayd, maluhu siin waaye
Maamuus la’aan lagu wadey, moodayaan nolole
Miis xumida heysiyo dulligu, waw macaan yahaye
Mabsuud weeye badidood waxay, mudan-hayaan ceebe

Muslinnimada sida loo mud-mudi, kama maseyraane
Maqaam-xumida waxa joojey waa, muran dhexdooda ahe
Iyagaysu muuqanahayee, moog adduunyada ee
Murtidey lahaayeen diliyo, magaca kooda ahe
Muwaafaqo kolkii laga gafaa, mowtigood galaye

Anigaa ku mira-dhaama baa, meleggu saarraaye
Macrifo uma yeeshaan wuxuu, baran masaalkoode
Macaamilada aadmigu ku jiro, laga madoobeeye
Martabadaa adduunkiyo cilmigu, umaba muuqdaane

Dadkey madaxdu ka xumaato way, marin habaabaane
Kuwa muqaddimada looga dhigey, waa manfaco doone
Mar maxaad cuntaa keliya buu, yahay muraadkoode
Nin mushaharo eexeyn-hayaa, waa miskiin dhabahe
Muddeec waxa ka dhigay waa inuu, maarmi-waa yahaye
Muddaafacana seeg iyo inuu, maya yiraahdaaye

Culimadana damac baa melgoo, mooyi sey tahaye
Milladdiyo shareecada bar baa, maal ku iibsada’e
Marsiin iyo fudeyd buu ku dhacay, magane diinkiiye
Maan-gaabka iyo weys hayaan, kii mufti ahaaye
Ardeydaa mujaadilo la geli, macallinkoodiiye
Midkii dhowr masalo soo bartaan, maaro loo heline
Makas-tiyo intii caamo bey, madax-wareersheene
Hadba xaal muraad lagu waraa, leyna maqashiine
Waase waxaan Minhaajkiyo Tuxfaha, meelna kaga oolle

ISTAAGEERID LAGA WAA
Cismaan Yuusuf Keenadiid
Maansada soo socotaa waa masafo. Masafadu waa nooc kamid ah maansada Soomaaliyeed oo berigii hore ay caan ku ahaayeen culimadu. Waxaa tan tiriyey Cismaan Yuusuf Keenadiid oo qudhiisu ahaa nin culimo ah. Wakhtiga uu tirinayaa waa mar ay sooba dhawaatay xorriyaddii beenbeenta ahayd ee la siiyey laba gobol oo kamid ahaa dhulkii Soomaaliyeed ee gumaystayaashu bililiqaysteen. Waxa uu iftiiminayaa dhibkii jiray berigaas, dawladihii kala qaybsaday dhulka Soomaalida, dabadhilifnimadii dadka qaarkood lagu ibtileeyey iyo sida looga tegay kasoo-horjeesiga gumaysiga iyo ku-dhaqanka Islaamnimada dhabta ah. Wuxuu yidhi:

Axmadow* tixdii maanso, tirinteedba daayaye
Indhoweyd ka tegayoo, tooggo uuma yeelane
Kolse haddaan ku tacalluqo, saan u taxo ma waayee
Tuduc uun baan ka sheegaa, tororogi ma fiicnee
Sida loo tebaayaa isaga-key tallaalane
Taallo iyo buur iyo kama tuuro meel xune
Tubta kama qalloocshiyo ta’wiilaha higgaaddee
Takhtarkeed inaan ahay, waad igu tiqiinaye
Meeshii aan ka taab-saaro, raga qaar ma tabayee
Wow tallaaba qaadaa, an kuma turunturrooda’e
Dhaaxaanse tabo jadiidiyo meelo kaaga taabtaye
Tu yar oo aan kuu sheegi, bal tilmaanso caawana

Afartaas tusmeeyaye ma tammimay sidaydii
Ma tartiibshey maansada awal baan tacliimaye
Sow xarafka kuma toosin ta’da kama habaabine
Taasi weyga degataye tiraab kale waxay tahay

War Soomaali tala xumo, taag looga waayaye
Tabtay horey u soo baratay, marna kama tegeysee
Tadbiir kale ma hayso’e iyadaysku taagane
Istoleysigii gacalo, tusi waa Ilaahaye
Iyadaysu tumanaysa, teeri iyo billaawe e
Istaageerid laga waa, isu turinamaysee
Tabaalaha adduunkiyo, taariikh eegi meysee
Waxay tacadi soo aragtay, iney toosto diidaye
Cilmiga loo tartamayana, u tacjiilimeysee
Shisheeyaha ku tuman iyo tooda fiirin weydaye
Xornimada u timid haatan, toodoobi meysee
Diinta tiirinta u baahan, waxba uguma taallee

Tiiraanyo kama hayso, tafarruqa la geliyaye
Si kastoo ad ula talisid teedii uun weeye e
Dalkoodii rag baa tebiyey iyageyska tuunsane
Ingiriisku tahantiyo toogadiba ka helyaye
Faransana tabkiciyoo tiisii waa ku heystaye
Inta kale waxaa taabay, Talyaani iyo Xabasho e
Amxaarkana tix-gelin iyo turaal lagama eego e

Tol-waynihii Ogaadeen tuu ku falay la maqalyaye
Gabal toogey qaarkoodna xabsiguu ku tuuraye
Nimankii u talinaayey Tafarraa* dhammeeyee
Tallan iyo kuwii haray tawal baa dilaayoo
Waa ka tubaha soo jiiray Ina-Tarabbi* keligiye

Isaaqna looga tabar sheegay, takhtigii dhulkiisee
Wuxu tiriyo maal qabay, kor u tiigan waayee
Arladi tooxa weyneed ku tallaabsan waayee
Inkastooy tigaadowdo tuldihii, daaqsan waayee
Toban mayl ma dhaafsiisna taaggii Hargeysa e

Majeerteenna laga teed halkuu Toga ku dhaqayaye
Kobtii lagu tammadin jiray laga wada takooryaye
Taxkuumadi ma seejine tunjileecsi weeyee
Toomihii Marqaan iyo tegi waayey Ceel-cade
Tiiriga agtiisiyo waakan tuuran Beyra’e

Afartaas tusmeeyaye ma tammimay sidaydii
Ma tartiibshay maansada awal baan tacliimaye
Sow xarafka kuma toosin ta’da kama habaabine
Taasi weyga degataye tiraab kale waxay tahay

Yuu.En-nada* taarka loo direy waxba nama taraayee
Waxay taawin badidood si laynoo taxaabto e
Waa la takhantakhayn jiray ninkii tiro-yar weligiye
Tiirridatan gaalo ah, jinnaa inagu taagaye

Waa niman takoormayoo, towxiidka diidaye
Towreed iyo Injiil iyo teennaba ka beyre e
Tawaani keen-isuma hayso, isku towna maahine
Ninkii haatan taabacayna, tubta kheyrka seegyaye
Togaggii Firdowsaad tegi-maayo weligiye
Inkastuu wax sii tuurto, isagay u tuudine
Risqina taharoweyniyo, tabar laguma helayee
Taftar baa hor lagu dhigay, tanaadkiyo saboolkee
Ninba waxaa u taal meel, tii loo xariiqaye
Tafan-taaf in lagu doono, toolmooni maahee

Dowladdana tukubo iyo tuugmo laguma gaaree
Haddaan rag isku tacaddoobin tiginkeed ma aasmee
Horaa loo tijaabshoo cayaar kuma timaaddee
Taawil iyo buruud iyo tadcaar wax u ah dhiiga e

Cadowse soo tabcadayoo, leh tareen iyo dayuurado
Nin tusbax iyo laan qaatay, taag uma helaayee
Banbada laysku tuurona, toorreey gaari maysee
Haddaynaan wax tabaraysan, rag waa kii is-tiilee
Aan qalabka lagu tuugsan tumasho iyo ganacsiba
Ee tabaabulyada seegno, waxba taransan maynnee
Tawakalidda Eebbena tiir la cuskan weeyee
Taliyuhu isaga weeye, tadbiirshaha aduunka e
Waxaan tabarruk ka helnaa tilaawada Quraankee
Taqwa iyo cibaadiyo towbad baa danteen ahe
Tukashaduna faral weeye taarik waa la caayaye
Hadaynaan ka tegin diinka Rabaa inagu toosane
Tuu fali lahaa iyo, isna tiis la laabanee.

*Axmed: Waa will uu dhalay abwaanka Cismaan Yuusuf Keenadiid.
*Tafarre: Waa Xayle Salaase, boqorkii cimriga dheeraa ee Xabashida oo waagaas talinayey.
*Ina-Tarabbi: Ma helin warbixinta ninkan, wuxuuse u egyahay hoggaamiye kasoo jeeda gobolka.
*Yuu.En-na: Waa Qaramada Midoobey (United Nations – U.N.) oo lasoo gaabiyey dabadeedna la Soomaaliyeeyey.

HALGANKII BARKHADCAS
Halkan waxaynu ku xusaynaa oo ku bilaabaynnaa buuggeena maansooyin kooban oo uu tiriyey abwaan Maxamed Ismaaciil Baasarce “Barkhadcas”. Abwaanku intii uu noolaa waxa lagu naanaysi jiray “Balaayo-Cas” laakiin markii uu dhintay ayaa loogu bedelay “Barkhad-Cas”. Abwaanku wuxuu hano-qaadkiisii hore u badnaa dhinaca magaalada Cadan ee dalka Yaman. Laakiin markii uu kusoo laabtay dalka, gaar ahaan magaalada Hargeysa wuxuu ka bilaabay dhaqdhaqaaq gobannimo-doon ah oo lagaga soo horjeedo gumaysigii Ingiriiska. Waxaa kamid ahaa ereyadii halhayska u ahaa ee bilawgiiba laga xafiday:

Ayuu guullahay gargaaraayoo?
Ayaa garanaaya gobanimadoo?
Ayaa la gembiya gumaysiga?

Wuxuu abwaanku waajib iskaga dhigay wacyi-gelinta bulshada ee dhinaca gobannimada iyo gumaysi-diidka.

AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA
Barkhadcas
Haddaba sanadkii 1958kii ayaa waxaa magaalada Hargeysa soo booqday nin Ingiriis ah oo la odhan jiray “Duke of Gloucester” oo adeer u ahaa boqoraddii Ingiriiska. Ninkaas oo uu dalkiisu si wuxuushnimo ah u gumaysanayey waddamo qaaradaha Afrika iyo Aasiya ku yaal oo fara badan. Haddaba intii aanu dalkaba soo gaadhin ayaa la bilaabay u-diyaargarowga soo-dhaweyntiisa.
Waxaa loo yeedhay abwaanadii wadanka ayaga oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan sarkaalkaa Ingiriiska ah. Dabadhilifyadii ayaa durbaannada tuntay. Dadkii aan indheergaradka ahaynina waxay iska noqdeen sida caamada lagu yaqaanno dameeri dhaan-raacday. Haddaba abwaan iyo hal-abuure Maxamed Ismaaciil Baasarce “Barkhadcas” wuxuu kamid ahaa dadkii laga codsaday inay maansooyin kusoo dhaweeyaan sarkaalka Ingiriis, laakiin isagu wuu iska diiday taas, waxanu codsigaas kaga jawaabay maansada la magac-baxday Aan Ooyee Albaabka ii Xidha oo uu ku sheegayo xumaanta gumaysiga iyo nacaybka uu u qabo gumaystaha. Wuxuu yidhi Barkhadcas:

Awoowgey ninkii indhaha tiray
Ninkii aabbahay adoonsaday
Ninkii anigana i iibsaday
Ninkii ifka igu adduun tirey

Haddaan ogohoo-nan ka aarsan karayn
Haddaanan Aadanoow unuunka jarayn
Asaag li’i baa ishaa i baddee
Ninkaa aragiisa uurkaan ka necbee
Aan ooyee albaabka ii xidha

Isagoo Iglan* jooga buu i diloo
Ushuu soo fidshaa i iimaysoo
Waa taa aramidi i oofa tirtee
Haddaan ogohoonan ka aarsan karayn
Haddaanan Aadanoow unuunka jarayn
Asaag li’i baa ishaa i baddee
Itaal darri aan la eedaadee
Ninkaa araggiisa uurkaan ka necbee
Aan ooyee albaabka ii xidha

Arladii ka samroo aduun ma hayee
Haddii la ilaashay afkaygii
Haddaanan ikhtiyaar aqoontay hadlayn
Haddaanan eray qudha shirkaas odhanayn
Asaag li’i baa ishaa i baddee
Ninkaa araggiisa uurkaan ka necbee
Aan ooyee albaabka ii xidha.

Wixii arrineen Ilaahay jeclayn
Aayaadka Qur’aanka wada aragtoo
Udgoonena yidhi, “Indhaha ka qarshee,”
Asaag li’i baa ishaa i baddee
Ninkaa aragiisa uurkaan ka necbee
Aan ooyee albaabka ii xidha.

Ugaadha ninkii dhaqee urursada
Ruuxii eegayaa adduun ka baxshee
Raggiinii ogaa horuu u arkee
Ninkii ooridiisa geynaayoow
Iimoowdaye axankaaga waynee.

Bal Ogow Isticmaarku Abidkii
Irriduu Marinaayo Awr Raran
Irbad buu Ku Dayaa Ayaanta Horee
Raggaan Arkayee U Abasaxayow*
Ninowna Ha Odhan Soomaalaan Ahee
Ordoo Magacana Ka iibsada.

Libaaxa Annayiyo Abaarso ka ciyey
Aburriin* lo’da joogta baa urisoo
Ooday jabisaa intay ka dhacdoo
Amsaxuu ka guraa idaylkeede
Wakaa Ingiriiskii iidaayee
Idina u dabaaldegoo adhiyohow
Ordoo magacana ka iibsada.

*Iglan: Waa gobol kamid ah dalka Ingiriiska laakiin halkan waxay ugu jirtaa isla dalkaas oo dhan.
*Abasax: Waa abasaxa geela dhedig, waana marka ay haluhu u baahan yihiin awr abaahiya. Si kale haddaan u dhigno, waa hammoodka geela dhedig.
*Anaya, Abaarso iyo Aburriin: Waa deegaanno aan kala fogfogayn oo dhinaca galbeed ka xiga magaalada Hargeysa.

AFGARAN-WAAGU WAA GUMAYSIGA
Abwaan Barkhadcas waxaa maalin kale soo maray gabdho ay hore isu yaqaanneen. Dadka qaarkood waxay leeyihiin gabadh keli ah ayey ahayd. Abwaanku wuxuu fadhiyey geed hoostii. Wuu xanuunsanayey oo aad ayuu raadka xanuunku uga muuqday korkiisa. Markaa gabdhihii waxay ku murmeen, “Tolow qofkani ma Maxamed baa?” Dabcan way garanayeen ee waxay cabbirayeen isbedelka ka muuqda jidhkiisa uu xanuunku dooriyey. Markaas ayuu gabdhihii ugu xog-warramay maansadan heellada ah oo uu ku muujiyey in dhibaatada haystaa aanay ahayn xanuune, ay tahay aramida iyo tiiraanyada gumaystaha. Wuxuu yidhi abwaan Barkhadcas Ilaahay ha u naxariistee:

Adigaa gabadhyahay, habeen gudayee
Anigoon guunyo waayin, geel dhalay
Gasiinka la cuno, afkaa ma gashoo
Gaajiyo cudur gaanka iima sudhnee
Waxa i goday waa gumaysiga

Hooyaday gacalaa afkuun garatee
Sidii garanuug joogta geyi abaareed
Amase geri laacay geed sare
Gurucaa dheeri waa gumaysiga

Sidii geesi uu tolkii gacma jaray
Garawshiyo waayey oon gardarrayn
Ilmadan gu’i weyday ee gobo’liyo
Gama’aan diiday waa gumaysiga

Waanigii gabannimo aroos ku galee
Waanigii gaari helay garaaro lehee
Gaasira isagaa na kala gooyee
Carruur ma gargaarsadoo ma gartee
Goblankaan ahay waa gumaysiga

Maan gaadhin gankaad i moodaysee
Gu’gaygii soddonkii labbuu ka gudbee
Guudkaa i caddaaday ee i gu’iyo
Gabaxdaan idhi waa gumaysiga

Wax ii gooniyiyo guhaad ma qabee
Somaalaa giddigeed is gaadaysoo
Cadhadaan gubnahay waa gumaysiga

Gambadii dumarkaa la’ii guntiyoo
Gabbal baa iigu dhacay gasiirad cidloo
Gabaahiiri waa gumaysiga

Rag baa gacalkay na kala gooyoo
Gaaliyo nacab baa u geesa ahoo
Afgaran-waagu waa gumaysiga

Garaadnimo iyo gobbaan u dhashoo
Gibir baan ka baxshaa haddaan wax gadtoo
Nin gini qaatay baa i gacan galiyoo
Gartay-daan waayey waa gumaysiga

Guullow adigaa gargaaro lehoo
Ninkii la gumaysto u gacan-celiyee
Anigoon afar gaal gabaar u ahayn
Anigoo geesiyoon gaboonayn
Inaan calan gaar ah guudkayga sudhiyo
Lixdanka gobonnimo i gaadhsii.

Geesiga Madow
Cabdillaahi Suldaan Timacadde, 1961
Gabaygan waxaa tiriyey abwaankii waddaniga ahaa ee Cabdillaahi Suldaan Timacadde. Wuxuu iftiiminayaa sida quwadaha waaweyn ee reer-Galbeedku (gumaystayaashii hore) aanay u rabin guul ay helaan waddamada yaryar ee korayaa (la-gumaystayaashii hore). Waxaa loo fahmi karaa, digniin uu siinayo quruumaha curdinka ah si ay isaga ilaaliyaan shirqoollada lagu hagar-daamaynayo. Waxaa uu markhaati uga dhigtay digniintiisa, sida geesigii u kacaba boqonta loo jarayo. Tusaale wuxuu usoo qaatay dilkii Gaandi-gii reer-Hindiya, dilkii Kamaalu-Diin oo ahaa danjire Masaari ah oo Muqdisho joogi jiray waagii gumaysiga, dilkii Maxamuud Xarbigii reer-Jabuuti iyo geesigii Afrikaanka ahaa ee lagu magacaabi jiray Batriis Lumuumba. Wuxuu Cabdillaahi Suldaan kala dardaarmayaa siyaasiyiintii dawladdii curdinka ahayd ee Soomaaliya, inay aaminaan oo nasteex moodaan gumaystayaashii shalay iyo xulafadooda. Haddii kale waxaa dhici doona caaqibo-xumo aan la mahadin, ayuu yidhi. Taladii Cabdillaahi Suldaan lama qaadan, waxaana lagu dhacay dabinkii uu ka digayey. Dabadeed waxaa laga dhaxlay ayaan-darradii ku habsatay umadda Soomaaliyeed intii yarayd ee xornimada heshay. Wuxuu yidhi Cabdillaahi Suldaan Timacadde:

Qaramadan gadaal-kacay qarbigu, waa geddiyayaaye
Gobannimada lama doonayaan, gadasho mooyaane
Wiilkii garaad lagu tuhmaba way ka gurayaane
Gardarriyo is-yeelyeel horaa, Gaandi* loo dilaye
Kamaalu-Diinna* qaar baw gabaday, qaatay giniyaade
Xarbigii* guntaday bay qunbulad, haad u geliyeene
Geesiga madow uma oggola, guusha reer-Yurube
Geerida Lamuumbaa* wadnuhu noo gig leeyahaye
Geyigiisa goortuu qabtee, gees isugu leexshay
Iga guura galabtuu yidhaa, geeddan loo xidhaye
Godka waxa u qoday Haamarshool*, waa gedduu rabaye
Maantaba hadday gawraceen, way gam’ahayaane
Meeshuu galaba doollaarku waa, uu gembiyayaaye
Ninkii dunida kala gaabiyaa, garabsanaysaane
Raggan gacanta haystoow wallee, saad-dambaad gariine
Qudheennani intaynaan geb odhan, yeyna kala gaadha
Haddii kale se goor aan fogayn, gawda bal aan eegno.

*Gaandi: Waa Mahatma Gaandi. Wuxuu ahaa garyaqaan u halgami jiray xorriyadda reer-Hindiya waagii Ingiriisku gumaysan jiray. Wuxuu aaminaa in la halgamo ayada oo aan dhiig la daadin. Hoggaamiye ruuxi ah ayuu u ahaa reer-Hindiya laakiin waxaa la dilay markii Hindiya heshay xorriyaddeeda. Waxaa dilka ku fuliyey nin xagjir ah oo Hindoos ah laakiin waxaa la rumaysan yahay in shirqool ka dameeyey dilka.
*Kamaalu-Diin: Waa Kamaalu-Diin Saalax oo ahaa nin Masaari ah oo aad ugu halgamay sidii Soomaalidu uga xoroobi lahayd gumaysigii reer-Yurub. Wuxuu dalka u yimid asaga oo ahaa nin ka socda dawladda Masar laakiin muujiyey jacayl aan qiyaas lahayn oo dhinaca Soomaalida ah. Taasi werwer ayey ku abuurtay gumaysigii. Kamaalu-Diin waxaa Muqdisho lagu dilay 17 Abriil 1957. Waxaa dilka fuliyey nin Soomaali ah laakiin waxaa la rumaysan yahay in shirqool ka dambeeyey.
*Xarbi: Waa Maxamuud Xarbi oo ahaa geesi Soomaaliyeed oo kasoo jeeday dhinaca Jabuuti. Waxaa si shirqool ah loo khaarajiyey isaga oo ku foogan hawlaha gobannimo-doonka. Dayaaraddii uu la socday ayaa burburtay, waxaana la yaqiinsan yahay in shirqool isaga ah loo qarxiyey diyaaradda. Geerida Maxamuud Xarbi waxay dhacday 1960kii.
*Lamuumba: Waa Batriis Lumuumba oo ahaa halgamaa reer-Koongo ah. Wuxuu u halgamay in dalkiisu xorriyad ka qaato gumaystihii Biljam. Xorriyaddii kadib wuxuu noqday raysal-wasaaraha Koongo-Kinshaasa laakiin in markiiba waxaa lagu inqilaabay shirqool ay maleegeen Sii.Ay.Ee (CIA) iyo gumaysigii Biljam. 1961 ayey milateriga Biljam dileen Lumuumba isla markaana gubeen maydkiisii. Arrintaasi tiiraanyo weyn ayey ku reebtay shucuubta gumaysi la-dirirka ah. Waxaana la yaqiinsaday in aanu reer-Galbeedku rabin geesi Afrikaan ah oo dalkiisa ku maamula siyaasad ka madax-bannaan gumaystayaasha.
*Haamarshool: Waa Daag Hamarshool (Dag Hammarskjold) oo ahaa nin Iswiidhish ah oo xukumayey Qaramada Midoobey (UN) min 1953 ilaa markii la khaarajiyey oo ahayd 1961. Wuxuu Timacadde qabaa inuu lug ku lahaa dilkii foosha xumaa ee Batriis Lumuumba.

Nidarray Xaylow
Cabdillaahi Suldaan Timacadde
Gabaygan waxaa tiriyey geesigii waddaniga ahaa ee Cabdillaahi Suldaan Timacadde. Wuxuu kaga hadlayaa niman Soomaali ah oo la shaqaynayey gumaysigii Xabashida ee Xayle Salaase isla markaana si nacasnimo ah uga soo horjeeday horumar kasta oo ay umadda Soomaaliyeed xorriyad ku gaadho. Wuxuu si gaar ah u magacaabayaa nin gumayste-kalkaal ahaa oo la odhan jiray Cagoole. Cagoole wuxuu daacad u ahaa xukunkii Xabashida ee Xayle Salaase, waxanu u dadaalay sidii dhulka Soomaali Galbeed ugu hoos jiri lahaa xukunka Itoobiya. Cabdillaahi Suldaan Timacadde, wuxuu ku taamayaa in dhulka Soomaaliyeed ee ilaa Hawaas iyo ilaa Negeyle iyo ilaa Nayroobi lasoo celin doono oo aan la nasan doonin ilaa riyadaasi xaqiiqowdo. Waxaa kale oo uu nadar la gelayaa Xayle Salaase. Wuxuu leeyahay, “Naagaha midkeen lagu daraba nidarray Xayloowe.” Marka aan buuggan qorayo (2012) waxaa laga joogaa markii gabayga la tiriyey 50 sano iyo dheeraad (1960), waxaana iska cad cidda labadii qolo naagaha lagu daray iyo cidda nidarkoodii dhaboobay. Waxse dambeeya Allaa og. Wuxuu yidhi Timacadde:

Naxwihiisa gabay waanigii, nimiri ku ahaaye
Ma naannaabiyo ee kaygu waa, nibirraddiisiiye
Nadaamkiisa anigoo yar baan, nuuradayn jiraye
Bal aan nudo tixdaan Yuusufow, nuunka ka higgaadshay
Nimcada kuma xamdiyo ruux haddii, naarta loo lulo’e
Namruud iyo Kancaan waa kuwuu, nacay Ilaaheene
Nasiib ma leh ninkii uga dudaa, gaalo naxariise
Nacallaa qabsada kaadirkii, kiisa naasila e
Nin nifaaqa mooyiye khalqigu, wuu ku neefsadaye
Soomaalidaa naaxday baa, qaar ka naxayaane
Nasaqnimo Cagoolow* Rabbaa, naaska kuu sudhaye
Ogaadeenku* waa nala niyoo, nuurki wada gaadhye
Nafarkiyo aday kugu hodeen noolka Xabashaade
Nacabkaaga weeyaan waxaad, nugusta* haysaaye
Kuwii Nebiyadii caasiyaa, naashka kuu dhigaye
Naxlina kuu gal Soomaalidaad, naafi leedahaye
Ninkiise dhiigga nuugaba mar buu, nudaygu qoonmaaye
Naqa laaso dabadeedna waa, laydin naawiliye
Naaliyadda goortaan duldhigo, tan iyo Nayroobi
Nageyliyo caruusaad haddii, naafaq ku habsaamo
Nasan maynno meeshiyo Hawaas, nacam Ilaahay ye
Raggii nadiga kuu qaadan jiray, niibka ka adkaaye
Haddii aan nadaadiga la raran, naruradaan geysto
Nakh-nakhdiyo dajidu waa intaan, nowdu kuu bixine
Wallee inaan nawaaxiga Shawaad lagu nagaanayne
Niska dhexe habeenkaad misana, now dhe leedahaye
Meeshiyo Niyuu-Yaag haddaad, noolka bixin doonto
Nasaariyo Yahuud baad u noqon, nayl xun oo kale ee
Naagaha midkeen lagu daraba, nidarray Xayloowe
Hadday nabaddu kula naaqus tahay nooli kulanteeye.

*Cagoole: Waa Cabdillaahi Faarax Cagoole oo ahaa nin Soomaali ah oo daacad u ahaa dawladda Itoobiya kuna dadaalay sidii Soomaali Galbeed ugu hoos jiri lahayd xukunka Itoobiya. Wuxuu ahaa nin aw ah oo yaraantii xer lagu daray, af-Carabiga iyo af-Amxaarigana wuu yaqaannay. Wuxuu ahaa curyaan ku socda gacmaha iyo jilbaha, sidaas ayaanu kula baxay naanaysta Cagoole. Waxaanay dadka qaar u qabeen nin amran.
*Ogaadeen: Waa qolo macruuf ah oo ku aroorta qabiilka Daarood, lagana heli karo dhammaan dhulalka Soomaalidu degto laakiin ku xooggan dhulka Soomaali Galbeed iyo dhulka Soomaaliyeed ee Keenya xukunto.
*Nugus: Waa af-Xabashi uu macnihiisu yahay boqor.

INGIRIIS RAGGUU LAAYEY
Ibraahim-Gadhle
Ibraahim Sulaymaan “Ibraahim-Gadhle” wuxuu ahaa abwaan Ilaahay ku mannaystay indheergaradnimo iyo farshaxan suugaaneed oo aad u heer sarreeya. Waxaa saldhig iyo deegaan u ahaa magaalada Jabuuti. Waxaanu kamid ahaa dadkii usoo joogay gumaysigii Faransiiska ee umadda reer-Jabuuti soo silciyey. Indheergaradnimadiisa iyo farshaxannimadiisa waxaa laga dheehan karaa suugaantiisa badda ah. Bal inta aanan soo qaadan maansada gumaysi-diidka ah ee aynu buuggan ku xusi doono, ila dheeho heerka iyo martabadda uu gaadhsiisnaa suugaanta iyo samo- talisnimada. Ibraahin Gadhle waa abwaankii lahaa ereyadan waanada ah ee soo socda:

Midigtaadu yey noqon,
Mid tolkeed u muruq weyn,
Murjinkaagu yuu noqon,
Magli dila walaalkii,
Magacaagu yuu noqon,
Mid xumaan ka marag-kaca,
Sida macawisaa qaar,
Ninba maalin yuu xidhan,
Hadba kii muraadle ah,
Hawga dhigin maqaar-saar,

Mar waxaad dhadhamisiyo,
Mijin qaad ah haw dhiman,
Hana talin masiibiyo,
Wax makhluuqa kala dila,
Maskaxdaadu yay noqon,
Maqal lagula leeyahay,
Yaan toban muftaax iyo,
Lagu furan masaabiir,
Waxaad shalayto mudatiyo,
Mahadhada xusuusnoow,
Halkii qorigu kaa muday,
Mar labaad lugtaadiyo,
Cagtu yaanay kula marin.

Abwaan Ibraahin Saleebaan wuxuu soo gaadhay ayada oo ay gumaystayaashii shisheeye cabiidsanayaan bina-Aadan fara badan oo ay ku jirto umadda Soomaaliyeed. Wuxuu si gaar ah u dulsaarnaa meeshii uu joogay gumaysigii Faransiiska oo kamid ahaa kuwii ugu arxanka darnaa duul wax gumaysta. Wuxuu usoo joogay ama maqalay Soomaali badan iyo xitaa Afrikaan badan oo xasuuq loo geystay. Wuxuu hebel iyo hebel u yaqaannay culimo iyo aqoonyahanno unuunka laga jaray ama la kaxaystay oo aan dib loo arag meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.
Haddana wuxuu usoo joogay ayada oo dhammaan gumaystayaashaas laga dulqaaday umaddii Soomaaliyeed, alxamdulillaah. Laakiin xorriyaddii la helay waxay noqotay mid dhicis ah maadaama taladii u gacan-gashay dad gumaystuhu beertay oo la odhan karo waxaa loo sii yara wakiishay hawshii gumaysashada. Waxay noqdeen dad aan laga filahayn in ay usoo aargudaan umaddii saxariirka la soo baday. Ayaan-darradaasi kumay koobnayn umadihii Soomaaliyeed, waxaa la qabay guud ahaan shucuubta Afrikaanka ah badankooda. Markaas ayuu abwaan Ibraahin-Gadhle tiriyey gabaygan tawaawaca ah:

Allahayow adduunyada markaad, taagtay udubkeeda
Ama aad abuuratay khalqiga, Aadan iyo Xaawa
Maalintuu Iblayskuna kufriyey uu, diiday amarkaaga

Imminkiyo ayaantaa maxaa, belo adeegeysa
Imisaa ardaa fiican iyo, aqal madoobaaday
Ubadkay siteen iyo maxaa, dumar agoonoobay

Imisaa arwaax hoyatay oo, gaal iyo Islaan leh
Axmadkii* la doortiyo maxaa, Nebiyo loo ooyey
Abuubakar Siddiiq* iyo inuu, Caliba iiljiifo*

Inkastoon ogsoonahay inaan, axadba waaraynin
Wadka Eebe soo diro wax baa, aniga ii dheere
Ifka ruuxa joogaa kol buu, ku istareexaaye

Kol uun bay anfaaciga macaan, iligga saaraane
Ikhtiyaar kol uun bay helaan, uumiyaa kale ee
Aasiya ba waxay leeyihiin aarmi iyo xooge

Annagana Orobbaa* sidii, awrta noo rarane
Waagii iftiimaba kun baa, nalaga aasaaye
Bal qabsoo ugaadhiyo sidii, adhiga weeyaane

Eygaa ciyaayaa hadduu, dhaamo inankeenna
Afrikadan Ilaahow maxaa, laga abuuraayey?*
Allahayow alhuumiyo maxaad, iinta ugu yeeshay?
Allahayow awood iyo maxaad, aalad ugu diidday?
Ummaddaada Eebbow maxaa, loogu kala eexday?

Ingiriis ragguu laayey baan, cidi illaaweyne
Axmad-Guray* unuunkay jareen, ehel ha waayaane
Oomaarna* waad wada ogtihiin, uubtii loo qodaye

Sayidkii* addoonsiga nebcaa, aakhiro u tabiye
Waa kuwii Cadhoolana* ajalay, calankan awgiiye
Halyeygii Bashiir* bay dharaar, adhaxda gooyeene

Maxamuud* sidii loo arjumay, aamus laga qaadye
Imaam Cusmaan* baa ku maqan, ololeheeniiye
Ablay bay u quudheen nin ragi, kuma ataageene

Eeddii gumaystaha haddaan, in yar ka faalloodo
Axaddii bishii Maaris* iyo, hore Isniintiiba
Eedaanka waaberi markuu, noo addimay sheekhu

Waa kuwii intay ururiyeen, edeg ka buuxsheene
Waa kuwii awaaraha na tubay, aqab la’aaneede
Waa kuwii uqaylkii guriyo, kii arrimin lahaaye

Waa kuwii hablaha ugub diliyo, Aaminiyo Luule
Waa kuwii Amaar iyo dugaag, oomman noo qubaye
Immikana kuwaa talinayay, eebada u tumiye

Isticmaarku ooduu dhigiyo, odaxdii waa taalle
Ma ilbixin kuwii aan lahaa, way ka aargudane
Iglan* baaba loo dhoofiyaa, weli addoontiiye

Iib baa Amriik* loogu diray, odayo waaweyne
Almaaniyana* kolay ku tahay, nala asqaysiiye
Kol hadday abiid ii yihiin, oohintiyo ciilku

Uurkii islaantii maxaan, uga abuurmaayay?
Oofta iyo hooyaday maxay, adhaxda ii saartay?
Allahayow awoowiyo muxuu, aabbe ii dhalayay?*

*Axmed: Nebi Muxammed – nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee. Magacyadii Nebiga waxaa kamid ahaa Axmed, Muxammed, Maaxi, Xaashir iyo qaar kale.
*Abuubakar Siddiiq: Cabdillaahi ibnu Abii Quxaafa. Waa Nebiga saaxiibkiisii koowaad ee xagga dacwada Islaamka. Waana khaliifkii koowaad ee Nebiga dabadii hoggaamiyey umadda Islaamka.
*Cali: Waa Sayid Cali binu Abii Daalib. Waa carruurnimo ugu hor rumeeyey Nebiga, waa Nebiga ina-adeerkii rumaad, waa saygii Faadumo Rasuul iyo khaliifkii afraad ee Muslimiinta Nebiga dabadii.
*Orobba: Yurub
*Beydadkan waxa la moodaa inuu abwaanku eedaynayo Eebbe (xumaan ka hufnaaye). Ilaahay waxan uga baryeynaa abwaanka inuu ka cafiyo wixii gef ah ee ka dhacay. Caqiidadeenu waa in aan Alle lala xisaabtami karin laakiin uu asagu xisaabinayo addoomadiisa. Dhinaca kale dadka wuxuu Alle abuuray ayagoo siman laakiin waxaa kala reeba camalkooda aakhiro iyo adduunba. Markaa Afrika ayadaa seexatay, dabadeedna waxaa helay cadow aan arxan lahayn oo bakhtigoodana ka kici waayey.
*Axmed-Gurey: Wuxuu ahaa halyey hoggaamin jiray bulshada Geeska Afrika ee Muslinka ah. Wuxuu ahaa sheekh caalin ah.
*Oomaar: Waa Faarax Oomaar Ileeye, halgamaa si nabadgelyo ah ugula diriray gumaysigii Ingiriiska, isaga oo af iyo aqoon u adeegsaday dagaalkiisa. Wuxuu u qoray dawladda Ingiriiska talagaraaf ay ku qornayd saddexdan erey “Hayaay, hayaay, hayaay.” Dalka ayaa dhawr jeer laga masaafuriyey, aakhirkiina wuxuu dhintay isaga oo masaafur ku maqan, waxaa ugu dambeeyey hadal isaga oo leh, “Dalkaygu ka yar wax la kala qaybiyo, dadkayguna ka tabar yar wax la rarto.” Fiiri qormada 16aad ee Dktr. Saadiq Enow ee Dhalashadii iyo Dhabarjabkii Soomaali Weyn.
*Sayid: Waa Sayid Maxamed Cabdille Xasan, hoggaamiyihii Daraawiishtii gumaysi la-dirirka ahayd. Wuxuu ahaa wadaad ay ku fogaatay caqiiqada Islaamku isla markaana ku xeeldheeraa curinta maansooyinka af-Soomaaliga iyo shicirka Carabiga.
*Cadhoole: Waa Cabdiraxmaan Cadhoole oo kamid ahaa halgamayaashii aqoonyahanka ahaa ee loo unuun-jaray gobannimo-doonka, gaar ahaan dhinaca Jabuuti. Si naxariis darro ah oo cadaawad miidhan ah ayey gumaysiga Faransiisku u dileen Cabdiraxmaan Cadhoole. Arrintaasi waxay ku reebtay shacabka reer-Jabuuti uur-ku-taallo iyo halgan adag oo ay usii galaan xorriyaddooda. Fiiri qormada Cabdalla Xaaji ee Halgankii Jabuuti.
*Bashiir: Waa Sheekh Bashiir, wadaad iimaanku qanjaha joogay oo ka dhiidhiyey gumaysigii Ingiriiska. Waxaa lagu deldelay gobolka Togdheer.
*Maxamuud: Waa halyeygii waynaa ee geesiga ahaa ee Soomaaliyeed. Waa Maxamuud Xarbi oo ahaa geesi gobannimo u-dirir ah oo ay shirqool ku dileen Faransiisku.
*Imaam Cismaan: Waa Sheekh Cismaan Wacays oo kamid ahaa culimada reer-Jabuuti ee kasoo horjeestay gumaysigii Faransiiska. Wuxuu ahaa imaamka masaajidka Cabdilqaadir ee Xaafadda Afaraad ee magaalada Jabuuti. 6dii bishii Juun 1966 ayey gumaysigu si shirqool ah u dileen, Alle ha u naxariisto.
*Axaddii bishii Maaris: Waa 19kii Maaris 1967 oo laga qaaday afti dadka reer-Jabuuti oo si weyn u diidanaa gumaysiga. Laakiin Faransiiska ayaa marin-habaabiyey aftidii oo ku sheegay in shicibkii reer-Jabuuti doorteen in gumaysigu sii joogo. Dhacdadaas waxaa laga tiriyey maansooyin badan oo ilmadu kaa qubanayso.
*Iglan: Waa dal kamid ah dalweynaha Ingiriiska laakiin waxaa looga jeedaa waddanka Ingiriiska oo dhan.
*Amriik: Maraykan.
*Almaaniya: Waa Jarmalka.
*Baydadkani waa cabasho. Ma habboona in qaddar dhacay laga cawdo ama laga murugoodo. Waxaynu Alle uga baryeynaa abwaanka inuu dembigiisa dhaafo oo u naxariisto.

GALANGAL
Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”
Gabayga soo socda ee galangal waxaa uu Hadraawi tiriyey 1970needayadii, wakhtigaas oo uu socday dagaalkii xaqdarrada ahaa ee lagu qaaday reer Fiitnaam. Madasha uu ka tiriyey waxay ahayd mid lagu soo dhaweynayey wefti ka socday jabhaddii xaq u dirirka ahayd ee reer-Fiitnaam ee la dagaallamaysay dulmiga Maraykanka. Waftigaasi waxay marti u ahaayeen dawladdii Soomaaliya oo hiil la garabtaagnayd dulmanayaashii reer-Fiitnaam.
Si aad u fahanto nuxurka gabayga aan kuu soo koobo taariikhda dagaalka Fiitnaam. Dagaalku wuxuu socday min 1955 ilaa 1975. Wakhtigaas ka hor markii gumaysigii Faransiiska laga saaray dhulkii uu gumaysanayey ee loo yaqaannay Indo-Shiina oo ah Fiitnaam-ta maanta, ayaa wuxuu dhaxal ahaan uga tegay kala qaybsanaanta Fiitnaam. Dabadeed waxaa jabkii Faransiiska kadib faraha lasoo galay dalka Maraykanka oo taageero siiyey qaybtii koonfureed ee Fiitnaam oo aan haysan taageerada shacabka reer-Fiitnaam. Shacabkii reer-Fiitnaam oo uu saldhig u yahay waqooyiga Fiitnaam, ayaa arrinkaas ka dhiidhiyey. Dagaal socday labaatan sano kadib waxay guushii raacday shacabkii gobannimo u-dirirka ahaa ee reer-Fiitnaam, waxaana si foolxun u jabay Maraykan iyo xulafadiisii faraha badnayd ee xaaraanta isku bahaystay.
Bal aan tirakoob yar kaa xasuusiyo musiibadii ka dhalatay dagaalkaas labada dhinacba:

Ciidadamadii labada dhinac ee dagaallamayey (1968)

Maraykanka iyo xulafadiisa
536100 askari oo Maraykan ah
850000 askari oo koonfurta Fiitnaam ah
50000 askari oo Koonfurta Kuuriya ah
7672 askari oo Ostaraaliya ah
10450 askari oo Filibbiin iyo Taylaan ah
552 askari oo Niyuu Siilaan ah
Wadarta askarta xulafadu waxay ahayd 1830000 (hal milyan siddeed boqol iyo soddon kun oo askari)

Askarta shacabka reer-Fiitnaam ee gumaysi-diidka ah
287465 askari oo reer Fiitnaam ah (laba boqol siddeetan iyo toddoba kun iyo afar boqol iyo shan iyo lixdan askari)

Khasaarihii ka dhashay dagaalkaas labada dhinacba

Dhinaca Maraykanka iyo xulafadiisa
Mareykan: dhimasho 58220 askari, dhaawac 303635
Koonfur Fiitnaam: dhimasho 220357, dhaawac 1170000
Koonfur Kuuriya: dhimasho 5099, dhaawac 10962
Ostaraaliya: dhimasho 521, dhaawac 3000
Niyuu Siilaan: dhimasho 37, dhaawac 187
Taylaan: dhimasho 1351
Boqortooyada Laawos: dhimasho 30000
Wadarta dhimashada askarta xulafadu waa 315384 askari

Khasaaraha gobannimo-doonka reer-Fiitnaamka
1176000 (hal milyan, boqol iyo lix iyo todobaatan kun oo qof).

Tirooyinka qaarkood waxay sheegayaan ilaa shan milyan oo qof in ay ku naf-waayeen xasuuqii loo geystay reer-Fiitnaam. Toddoba milyan oo bam ayaa lagu bam-gareeyey reer-Fiitnaam, taas oo ku laba jibbaarmaysay wixii bambo la tuuray dagaalkii labaad ee adduunka oo dhan. Waxaa dib ka dhashay 500000 (shan boqol oo kun) oo carruur laxaadkoodu kala dhantaalan yahay ah suntii hubka dartii.
Xad-gudubka intaas le’eg ee laga galay reer-Fiitnaam, kama aanu dhigin kuwo u cabiidsama gumaysigii laga rabay. Waa ay dagaallameen, adduunka taagta daran oo dhamina wuu la ooyey.
Haddaba gabaygani wuxuu ahaa mid lagu dhiirrigelinayo dagaalyahannadii reer-Fiitnaam ee diiday keenadii gumaystaha. Weli ayada oo uu dagaalkii Socdo ayey Soomaaliya yimaaddeen wefti ka socday jabhaddii xarbiyeysay. Markaas ayuu Hadraawi gabaygan qiirada iyo dhiirrigelinta ah u akhriyey. Gabaygu reer-Fiitnaam uma gaar aha ee wuxu quseeyaa cid kasta oo loo soo qaato keeno gumaysi. Wuxuu yidhi Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi:

Galbis dhacay dadweynahan gabradey, gaafka igu meersan
Qurux ganac leh gole dheehaniyo, bilicdan gaasheesay
Gargarraanta nuurkiyo shacniga, la isku googgooyey
Shirgobeedka guurtida fadhida, garangar waaheelan
Marti gacala mudan laysu guray, gulufka heensaysan
Gololada mashxaradaysa iyo, sacabka guugaabo
Galladda iyo raynraynta iyo, gooha dami waayey
Iyadoo gorfayntiyo la taxay, doodda gudaheenna
Guddi werisayaa iyo nin kale, gooni hadalyaaba
Qofba kaalin goorteeda buu, gaar u leeyahaye
Anna tayda ii go’an haddaan, galo abbaarteeda
Ma gunaanadaayee haddaan, jaro garraarkeeda
Gayaaxaa haddii aan ka furo, madida ii gaaxsan
Godolqaad hadday labada law, dib u yar gaalgaasho
Gaawaha hadday buuxisoo, waliba gaash daato
Ganuunkeeda xoorka le haddaan, madalka gaadhsiiyo
Anigiyo garaadkay haddaan, idin guddoonsiiyo
Geestayda waa iga dhanyahay, galangalkaygiiye
Gadaashay ninkii odhanayow, gacanta ii haadi

Afartaasi waa gogaldhigiyo, maanso gedeheede
Godkaan degay warkaas guud haddaan, kor uga sii guuro
Xaajada gondaha laaban iyo, godanka hooseeya
Gunta iyo salkeediyo haddaan, saro gunaadkeeda
Gawdiyo ujeeddada ladhkiyo, caawa iyo goobtan
Nimanyahow gantaalaha subkaye, gamaska dhiigeeyay
Nimanyahow galkiyo seefta yidhi, gees u kala leexda
Nimanyahow sidii awr gurgura, caynku gubi waayey
Nimanyahow garbaha buuxsadee, raray gardaadkooda
Nimanyahow gadoodiga bartiyo, galow la soojeedka
Nimanyahow habeenkii gudee, guura-bahaleeyay
Nimanyahow gadiidkii socdee, meel hadh gali waayey
Nimanyahow sariir lagu gam’iyo, gogal ka dheeraaday
Nimanyahow guryaha diiday iyo, gaari lala seexdo
Nimanyahow gasiinkii ka tagey, gaws wax lagu qaato
Gudcur dama cirkoo gibil xidhoo, dhibic is gaadhsiiyey Nimanyahow gudgude soo curtiyo, guuxu kari waayey
Gabadannada nimanyow dugsadey, goorad laga hoyday
Nimanyahow gabboodkiyo dugsiga, gelinna hayn waayey
Gudguduudka waagiyo saq-dhaxe, maalin kala guurtay
Mugdi gaba’ cadceed gaasa-baxa, waaga galacdiisa
Nimanyahow gumaystaha ku jaray, gaadmo iyo weerar
Miinada gumaadkiyo xeryaha, gaadhka lagu meershay
Nimanyahow sidii aarka guda, guudka kaga booday
Nimanyahow guddoonsadey inaan, godobtu duugoobin
Nimanyahow ma guurtada xuska le, geliyey taariikhda
Haddaydaan adduunyada gilgilin, xil i ma guuleene
Laabtayda kama soo go’een, tix iyo geeraar e
Gocashada dareenkiyo murtida, amase guurowga
Waxad gaysateen buu ku yimi, gabayga joogaaye
Taariikhda guunka ah haddaan, gelin wax weydiiyey
Allaylahe Galbeed wuu ku jabay, goballadiinaase
Indoo-Jayna geeraw-ga qoran, guuldarriyo hooge
Biyanfuu gulcubihii dhiciyo, galalki dhiigoobay
Faransiiska wiishkii la go’ay, saw la garan maayo!

Maantana geddii baa dhacdiyo, tii gafkii hore e
Gal dad liqa ul baa lagu dayaa, lagu gurraacaaye
Garka xadhigga loo daadshey iyo, gedefka loo saaray
Gaaggaabnidiiniyo malaa, gibil basaaskiinna
Is gamaarintiinnii miyuu, gorodda soo dhiibtay!
Iyagays gunaanada intay, qawl is geliyaane
Garannuugta laacii hodaa, goodir tiigsadaye
Gashigii maqnaa buu is yidhi, gooshkan soo celiye
Baariis dabkii lagu gubaa, Waashintoon galaye
Geyigiinna oo idil illaa, gooddi iyo gooddi
Gargoor baa la moodaa timaa, ciidda guud-qubane
Gallaydhyeys waaraabiina xoor, gorofki caydheede
Rag baruurtu goobtiyo lagiyo, goolalbaw qalane
Gudur iyo badhaadhiyo mudiyo, goonji buu cunaye
Intaad gawracdeen iyo intii, goobo lagu laayey
Gorgor iyo intii baylahnimo, haad ku gabasleeyey
Garba-duub intaa ugu xidheen, galalka liileysan
Way galabsadeen ciilka ay, golongol tiiceene
Goldalooladay jecelyihiin, ciday galaaftaane
Gelin qudha ma daayaan ninkay, gaatir ku arkaane
Gacma hoorsi kaagama tagaan, kumana guuraane
Geesaa bay yeeshaan haddaan, waranku giirrayne
Dhegahay gufeystaan haddaan, geesiyaal heline
Garta ay dhagaystaanba waa, gumuc rasaaseedel
Gujaduu ku maalaa ninkii, geda-yaqaanaaye
Gudin iyo warmuu kaga furtaa, gaadhi shaaximane
Gurracnaanta iyo maagga iyo, laba-gar-daymoodka
Gaffuurtaagga iyo tookha iyo, higilka gawdiidka
Gabgabtiyo is-waalkiyo saskiyo, gooddigiyo faanka
Galoof-ololka wey leeyihiin, qabiyo guulguule
Dagaal laysu soo galay haddii, gaylanku is-dhaafo
Galaayuus qaboonada horray, gabarrucleeyaane
Hadhow bay sidii guunyo nugul, gebi-dhacleeyaane
Marka runi-runteed gaydo way, gamashi dhiiqaane
Gagsi ma le haddii loo cuskado, tabiyo gaalleefe
Haddii laysu sii giijo way, galangalcoobaane
Gadaal bay u laabtaan haddii, good ku soo baxa e
Waligoodba guul kalama tagin, meel garaad jiro e
Gubniyada la soo daadsheyee, gaatin caranaaya
Gurmad raabaraabiyo coliyo, guuto iyo guuto
Wixii gaasas soo degay wixii, geesh is-daba joogey
Ee tirada ay gaadhayaan, ruuxna garanwaayay
Laf galluuban mooyee haddaan, goosan laga haynin
Maraakiibta goonyaha baddiyo, gaafka hoganaysa
Diyaaraadka gawdaa hayiyo, galacda baaruudda
Dabbaabadaha goobyaalayee, gurada loo buuxshey
Garangarinta Naabaalka iyo, gabaxda Riigaanka
Gaaraabidhaankiyo dabkiyo, gugaca yeedhaaya
Galayaxa is-dhaafiyo higtiyo, guuxa iyo reenka
Gudban iyo waxay tuurayeen, goosatada reebban
Waxay gaaxsadeen iyo waxay, godal ku keeneenba
Godanadda Kamboodiya taniyo, Laa’us gudaheeda
Fiidnaam galkeediyo intii, godanka Saygoona
Indoo-Jayna gees iyo ka gees, guudka iyoo hoosta
Hub wixii galaabaxay haddaa, meelna lagu gaadhin
Ninkiinnii gurguurtiyo intii, naafo gabargaashey
Ninkii gurungurcoodkuu dhaliyo, gacaladiis waayey
Nin goblamay nimaan gaban u hadhin, gaar nin keligiisa
Gallad qubatay xooliyo dadiyo, garangar duugowday

Gocoshiyo xanuun ma leh wixii, guud ahaan lumaye
Gobanimada waa loo dhintaa, gooriyo ayaane
Ummad gadata mooyee nin kale, waa ka garannuuge
Ma gabloosho beertii xabiyo, dhiig ku goraraaye
Damalkii la gooyaba midbaa, soo gadaal baxa e
Guri laga baroortaba aroos, gaafan baa xiga e
Haddaan loo garraadayninoo, waayyo lagu guulin
Way gaaggaxdaa talada aad, gola-ka-fuushaaye
Garab-qaadka faylkiyo dhismaha, oodda guriddeeda
Gudintiyo hangoolkiyo habkiyo, gees-u-wada-jeedka
Gadhwadeenka xeerbeegtidiyo, gaanka wadartiinna
Gabadhiyo marwada heeganta’a, ee gambada xooray
Gashaantida maryaha faydatee, gayfan diriraysa
Gaashaan dhiggiiniyo qorshaha, amma go’aankiinna
Guddoonkiinna hoosiyo illaa, guniyo-baarkiina
Galdalloolo kama mutiqatiyo, gobor la sheegaaye
Xaajadu gun bay leedihiyo, xeedho sii godan e
Farriin laysu geeyiyo ka culus, guubis iyo baaqe
Bulshadii gadooddaa midbay, dhiilla gelisaaye
Markay gibisha xoortaa ta kale, dabarka goysaaye
Gobolkii xoroobaa mid buu, gama’ ka toos-shaaye
Jidkaasaa go’doonkii maraa, geeddi mariyaaye
Gabbashada intii diiddanee, gaylan diriraysa
Galladiinu inay nuur u tahay, galiya maankiinna
Waxba arartu yey ila gudbine, waxan ku soo gooyey
Gaar kuma tihiin hawsha iyo, goonidiin qudhahe
Gar-naqsiga badheedhkiyo runtiyo, godolka maahmaahda
Golaa baanistiisiyo intii, geed inagu raacda
Gumaystaha intii diiddan baa, gacal wadaagtaane
Gammaan baynu wada saarannahay, gu’ iyo jiilaale
Nolosha iyo geerida dirkaba, waw gudboonahaye

Dhul guduudan geediyo ugbaad, ubax ku guud yaala
Xareed galac le galal buuxa iyo, webiyo guurreeya
Ido gorod madow iyo fardiyo, lo’ iyo geel foofa
Aar gooha gooliyo shabeel, haramcad guuxaaya
Goobyaalka deerada mankiyo, gurata maanjeeta
Geri jeenya dheeriyo biciid, goray-haldhaa qooqay
Wiyil gees leh farow gaadda-weyn, goodirkiyo cawsha
Maroodiga Ganaanee mirtee, gacanka laadlaadsha
Shimbiraa galooliyo maraa, buul ka wada goostay
Umad goba gabraartana u daran, gebi ahaantiisa
Oo waxad gashaaniyo ogsoon, guurtinamadiina
Gacmo furan salaam gaara iyo, gogal idiin taalla
Iyo guusha oo dhaw haddaan, goorna laga seexan
Galabtaas ninkii jooga iyo, guri-yagleelkeeda.

GABADH MADOW
Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”
Maansadan la magac-baxday gabadh madow uma baahna in la fasiro. Waxay xambaarsan tahay guud ahaan nuxurkii ku jiray suugaantii aan xusay. Waxay kamid tahay sababaha aan abwaan Hadraawi ugu dhex daray halgamayaal beri hore noolaa. Maxaa yeelay buugga waxaan u qorsheeyey suugaantii la tiriyey xilligii gumaystaha. Waxaan u arkaa nin jaad-gooni ah oo kasoo hadhay dadkii hore. Wuxuu yidhi:

Goonyahaygu waa dhagar
guudkaygu waa xeel
garayskaygu waa seef
guntigaygu waa dil
gudahaygu waa yool
Weligay gu’ iyo dayr
guul oomman baan ahay
hantidayda gawriyo
gabayooxna lagu beer
dayaxay u gudubtaa
anigana gelgelintiyo
garab rarato kama baxo
gadh wadeennadayduna
giddi inan-la-yaal iyo
guur-doonno weeyaan
geyaankoodu waa damac
utintayda lama gudo
gashigayga lama bedo
galladayda lama karo
dibnahaa ka gaabsada
guubaabadayduna
kama foga guraa-baas
Guuguule yeedhii.
Badi waan gadoodaa
Cidda aan galaaftaa
guurtidayda weeyaan
anigays gunaanada
hadba waxan ku giirtaa
guuleedka ii kaca
geeddigaygu sahan ma leh
geenyo hadaftey weeyaan
goob-yaalka milicsiga
gabar-gaalka lahashada
gacan haadis bay dilay
iyo laba gar-daymood
gurrantayda bidixdiyo
garabkayga midig baan
midba gelin u jeestaa
ka cabsaday god naareed
jannadana ma geli karo
gooddigooda ku anbaday
duniduna gabaabsiday.
Tiradaa gedmaysoo
i galaa baxaysee
maxaa goolal igu maqan?
dheeshan laygu goobtee
gefka lagu heshiis yahay
mee gar-sooreheedii?
Geeddu xeer ma leedahay?
Mise waa lug iyo gacan
labadaba ku garangari.
Goohu yuu kasoo baxay
guurowga yaa wadey,
maxaa keenay gabayada?

Inaan gabadh madow ahay
cadrad lagu gabboodfalay
malaa waad i garateen?
Sheeko gaaban baa tidhi:
“Nin ay gaajo haysaa
guri yimi duleedkii
soddoh garasho dheer uu
gabadheeda qabay baa
dhito godollo sheellayd
ugu geysey meeshii…
Isaguna guddoon yidhi,
laysu guud mar toyashada
caanaha gadhoodhaa
inay guura-guuraha
weelka gaararkiisiyo
gunta badi ku ururaan
waa ged lagu yaqaannee,
godankii isugu tage…
Isaguna ka geyn waa
inuu dhiilka gororsado
gacantana ma dari karo.
Isagoo xil-gubashada
u daruuray gaashaan
Isma gabe wuxu yidhi:
“Markii ay na gelayeen,
waa nala gilgilayoo
inta nala gun-dhebey baa
afka nalaku gaacsaday…”
wadnihiisu galow ma leh
ku gadaangad ceebtii
libintana ku geeraar
xeeshiise lagu garay
murti guun ah laga reeb.

Jiiftada gar-dhaladka ah
waxan uga gol leeyahay
Allahayow gurracanaa
marti goor xun socotood
gobannimo ku soortoo
kugu tidhi gun baad tahay!
Markii aan garaaddaha
taariikhda kala guray
illaa gogol-dhiggiinnii
galabtaad is-wacateen
taladana in lay galo
Baarliin ku goyseen
Ilaa gooshkan maanta ah
hadimada i gaadhiyo
waxaad geysateen baan
gocashada xasuustee
maxaan reer Galbeedow
godob kaa tirsanayaa?
Mise gabawar mooyee
tolow maba garowdaan!
Maxaa gaasas duuliyo
guutooyin xoogliyo
gurmad leedda-fuuliyo
guluf weerar tooxdiyo
dabley gaatan socotiyo
geba-geba i saarteen?
Maxaan goor la seexdiyo
habeenkoo gabbala-ridey
laba gelin is-raaceen
gaaf-meerka socotada
iyo guura-bahallaha
geesaaska fiintiyo
galow foodhidiisiyo
galayaxa rasaastiyo
col gurguuranaayiyo
gellimaad ku sara kacay.

Maxaad gaade hoosiyo
gurrac iyo shirqool.
iyo tabo igu gantoobteen?

Maxaad garan-gartaydiyo
guryahayga bi’iseen
Gacal iyo tol wada yaal
gobol gobol u ooddeen
laba aan is-gooyeen
kala goonni yeesheen
Maxaa laba gudboonayd
midna garabka siiseen
ka labaad u guusheen
isku go’a tidhaahdeen

Maxaa wiilal gaammurey
intaad ugu guduuddeen
ha galgalan tidhaahdeen

Maxaa Gaanni ciidmiyo
hanad aan gardaadshoon
ku goblamay birayseen
golxobkiinnu ku afuray

Maxaa geesi aan dhalay
inta gowrac mariseen
gorgor baahan siiseen

Maxaa inan gashaantiya
gayaxaha ka siibteen
milgadeeda gawsheen
ka xil baxay gayaankeed

Maxaad gaari weer xidhan
godol-qaad ku daydeen

Maxaa guul darraystiyo
godadliyo hinaasiyo
Gocor igu habayseen
Giiba* sow nin ma ahayn?
Geeskayga bari yimi

Maxaad gacan ku dhiigliyo
gibil kala tabooriyo
garma-qaate dhegaliyo
garac igu abuurteen?

Maxaad good mariidliyo
gungumiyo abeesiyo
goodaaddo jidhifliyo
garangoorri socotiyo
inta bahal gurguurtiyo
belo igaga guurteen.

Maxaa gegi dabayliyo
gocondhaley cagaagliyo
galoofiyo candhooliyo
geyi lama degaaniyo
goonbaar habaasliyo
guban lagu asqoobiyo
gaajada rugteediyo
gabno igu tilmaanteen?

Goobtii harraadkiyo
gurigii cadceeddiyo
geedkii saboolkiyo
gudcur maararrowliyo
yaa go’doonka iga dhigay?
adduunyada geddaas faray?
gaasiray maxaan ahay?

Maxaa gocayadiinniyo
inta gaawihiinniyo
gorofiga milaasheen
gudhan iigu yeedheen

Aaway guuyadaydii
geeliyo lo’daydii
faraskiyo gammaankii
goolashaydi soocnaa?

Aaway gaaxsantaydii
dahabkii guduudnaa
macdantii goshaydiyo
gebiyada ku duugnayd?
Warshaddiinna guuxdaa
midhahay gadaysiyo
miidday guntaysiyo
ganacsiga abeerka ah
xaggee looga soo guray?

Guushkay tufaysiyo
dheecaanka gabaxliyo
xinjiraha galshaystiyo
dhiigga gobo leh yayska leh?

Immisaa gabaarrey iyo
garab-cas igu koray?

Maxaa gaatirtaydiyo
galdaloolladaydiyo
sida lay gabraartiyo
garka laygu laylyiyo
gedda lay salaaxiyo
googgaa ku sabiddiyo
gobortayda barateen?

Dadku geed adaygiyo
gudintay kol iyo laba
lafa-geri ku dhuuxaan
waxba kuma garaacdee
miyaan tiinnu gaagixin?

Maxaan geystay oo dhimay?
Maxaan galabsadee falay?
anigoo la gamashiyey
gondahayga seetadu
waxay haar ku gedeftiyo
Gurgurkii i saarraa
boqol gu’iyo taartaar
anigoo gun iyo baar
korku wada gunaad yahay
anigoo la golongolay
sida caynku ii gubay
gubuxsiga tallaabada
garba-beelay dhowr jeer
goob-joogna ka ahaa
galab noolba waxa dhacay
anoo uur-guluuluca
la gommoday dhibtaadii
adoo gacan togaalaha
gardarriyo is-yeel-yeel
intaasoo gef muuqdiyo
guul darrooyin igu falay
maxaad weli guhaaddiyo
gaadhka iiga haysaan?

Maxaa gumuca boodiyo
gaara-bidhaantiyo
hubka iigu gibisheen?

Maxaad saymo gadataa
dab gamaaray hurisaa
Maxaad gawsahaagiyo
miciyada golxaystiyo
ciddi wada garaara ah
shaadh iigu gelisaa

Maxaad geda-gedaysaa
hadba geed is-marisaa
Ummad geylameysoo
gaarkooda taladii
inta ay gorfeeyeen
raba inay geyoodaan
kuwa jira gadaashana
gaadiid u celiyaan
intaan gaasha-weyntiyo
cawa-darantu soo gelin
maxaa geeddigoodii
gujis lama filaaniyo
gal dad-liqa ku noqoteen?

Hadba ruuxa goolmoon
raba inad gunnaysaan
ama guufaf timiriyo
galley loogu sama-falo
maxaa geeridiisiyo
waran iyo gantaal iyo
gaalleefu siisaan?

U gurbaynta noloshiyo
gacan-siinta nabaddiyo
gudashada sidii roon
maxaa kaa gabaanadey?

Afartaas god madaleed
gola-joog ku naanays
Gaarriyow ka marag noqo
ila gudubtay sheekadu
geba gebana doontee
bal aan soo gunaanado
Ninka loo gol leeyahay
isagaa is-garan kara

sida goosan Weer belay
igu gaabi tuurtuur
igu gado sir iyo caad
halkaad gaadho taagtaa
Aniguna il-galaclaha
is-gamaarintaydiyo
gadh-salaaxa maahdiyo
gama’aan hurdo lahayn
goroddaan lalminayaa
gabbashiyo ma aha quus
gar-naqsaan ku jeedaa
talaan gawda ku hayaa
Inkastaad gamuurteen
geedka aan ka beerrahay
ma qallalin guntaydii
ganto xidid leh baan ahay
dab baan soo gadaal-celin
Gebi-dhaca i haystiyo
gaalgaalka dheelliga
ku guddoonsan maayee
waxaan goobayaa raad
jidkii guusha aadmiga
gelbiskiyo mashxaradaha
gafi maayo hawlaan
guryo-samo ku tegi karo
goobannimo ku hanan karo.
Guntashada xasuusaha
gudashada habboonkay
gabay gabaygan ciil-tira
u ged-baxa falaadkay
waxaan geysto magac-dheba
Aan lahaanno goorteed.

– Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”

*Giib: Waa Alen Giib (Allen Gibb) oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamadii Ingiriis ee gumaysan jiray Soomaalilaan. Wuxuu ahaa nin dhibaatooyin badan gaadhsiiyey shacabkii Soomaaliyeed. Laakiin aakhirkii waxaa dilay geeljire Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey cashuur Ingiriisku kusoo rogay geelashooda.

YABOOHIN HALYEY IYO HIMILOOYIN FOG
Waxaan kusoo gabagabeeyey xaashida tan ka horraysa, ururintii suugaantii laga tiriyey gobannimo-doonkii Soomaalida iyo suugaan dhawr ah oo xidhiidh wanaagsan taas la leh. Ujeeddadu waxay ahayd in aan akhristaha isugu xidho taariikhdaas dhow, ta maanta lagu jiro iyo timaadada mustaqbalka. Halgankii loo galay xorriyadda marna laguma gaadhin himiladii la rabay. Sidaas darteed waxaa la odhan karaa wuu dhicisoobay halgankaasi. Laakiin intii dhicisku sii noolaa rajo ayaa la qabay bal in wax uun is bedelaan oo dhiciskani iska koro laakiin kol haddii uu bakhtiyey waxaa loo baahan yahay halgameyaal cusub oo kuwa buugga ku xusan bedeli kara, isla markaana aanay natiijada halgankoodu dhicisoobin.
Waxaa loo baahan yahay halgan dheer, halgankaasi ilaa uu xaqiijiyo toban hadaf waa mid qabyo ah. Tobanka hadaf ee loo baahan yahay u-hawlgalkooda waa:
1. Waxbarasho: Waa in lagu dadaalo in dadka wax la baro oo la kobciyo aqoontooda iyo wacyigooda. Lama gumaysan karo dad aqoon leh. Aqoonta loo baahan yahay waa mid maaddi ah iyo mid diini ah labadaba. “Qof muumin ah god laba mar lagama wada qaniino,” ayuu xadiis leeyahay. Waxbarashadu waxay noqon kartaa mid nadaamsan iyo mid dadban labadaba. Waa in manhajka waxbarasho iyo muqarrarada tacliineedba lagu saleeyo duruufta umadda iyo dalka. Dad dhaqan kale wax lagu baray sidee ayey horumar ugu samayn karaan kooda?

Waxaan gacanta ku hayaa buug ciwaankiisu yahay Toban Hadaf Gadaashood. Waxaan ku muujin rabaa fikradda ah in guusha iyo barwaaqoobidda Soomaalida la helayo haddii la xaqiijiyo tobankaas hadaf. Alle ha ii sahlo soo-saaristiisa.

2. Isku fillaansho dhaqaale: Waa in wax-soo-saarka dhulka, beeraha, xoolaha nool, badaha iyo warshadahaba la tacab-geliyo si la isugu fillaado, gaar ahaan dhinaca quutal-daruuriga.
3. Madax-bannaani dhaqan: Waa in horumar kasta lagu saleeyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka. Lama arag umad horumartay ayada oo ay is-diidan yihiin dhaqankooda iyo horumarka ay rabaan. Looma baahna in dhaqan lasoo ergisto ee waxaa loo baahan yahay in aqoon lasoo guursado.
4. Madax-bannaani siyaasadeed: Waa in aayo-ka-talinta umadda Soomaaliyeed aan loo dabo fadhiisan shisheeye, cadaawena iskaba daa hadalkiisa.
5. Xasillooni guud iyo madax-bannaani nabadgelyo: Waa in la helo ciidan ummadeed oo tababarkiisa, qalabayntiisa iyo dhaqaalihiisuba ka madax-bannaan yihiin farogelin shisheeye. Waa in nabad-sugidda gudaha iyo debedduba noqdaan kuwo madax-bannaan oo aanay shuqul ku lahayn quwado shisheeye. Waa in la higsado heer qofku dareemo xasillooni.
6. Madax-bannaani distoor: Waa in xeerarka iyo sharciyada umaddu yeelanaysaa noqdaan kuwo aan laga soo waaridin meelo kale ee si buuxda looga qaato shareecada Islaamka isla markaana la waafajiyo duruufaha iyo dhaqanka umadda iyo casriga la marayo. Sidoo kale waa in sharciga iyo xeerku si siman uga sarreeyo dadweynaha.
7. Ka-xoroobidda iimaan-la’aanta ama musuqmaasuqa: Dadka Soomaaliyeed ee casrigan nool waxaa lagu ibtileeyey hunguri weyni, hunguri xumaan iyo iimaan-la’aan ilaa heer ay jid walba u mari karaan, dheef yar darteed. Haddii mushkiladdaa dawo loo helo goldaloolooyin badan ayaa awdmi doona.
8. Ka-xoroobidda qabiilka: Si qabyaaladda looga dawoobo waa in marka hore nadaamka qabiilka laga guuro. Inta ay Soomaalidu qabaa’il tahay, qabyaaladdu waa Ina-Daanweyne!
9. Ka-xoroobidda qaadka: Waa in maandooriyaha qaadka laga xoroobo ilaa la helayo Soomaali aan idilkeedba qayilin, qaadkuna ka caaggan yahay dhulalkooda, ganacsi ahaan iyo beerisba.
10. Midnimo dhinac walba ah: Waa in natiijada halganku noqdo midnimo buuxda oo shisheeyaha laga midaysan yahay loona midaysan yahay. Wakhtigan xaadirka ah midnimo siyaasadeed iyo mid dawladnimo lagama dhigan karo yool dhow. Laakiin waa in laga shaqeeyo midnimo dhaqan iyo madaxbannaanida qof kasta, koox kasta iyo deegaan kasta oo Soomaaliyeed xitaa iyagu yaanay nadaam mideeya wada lahaane.

QAYBSHEYAAL IYO MIDEEYEYAAL
Sida ka muuqata hordhaca yar ee bogagga kore ku xusan, umadda Soomaaliyeed waxay leedahay meelo ama ilo quwadeed oo haddii ay ka cabto ay xoogaysan karto iskana caabbin karto cadaawe kasta. Sidoo kale waxaa jira meelo ay ka nugushahay oo laga wareemi karo ama laga burburin karo. Markaa ciddii rabta in la alkumo ummad Soomaaliyeed oo sharaf iyo xoog lagaga haybadaysto leh, waa inay ka faa’iidaystaan ilaha xoogaysiga, iskana jiraan ilaha burburka iyo nugaylka. Ciddii rabta inay u-hawlgasho ummad Soomaaliyeed oo cagaheeda ku taagan, waxaa u doorran saddex mid:
1. Qaran ku dhisan qowmiyad
2. Qaran ku dhisan qabiil
3. Qaran ku dhisan Islaamnimo
Qaran ku dhisan qabiil waa mid aan weligii lagu gaadhi karin horumar, nabad iyo xorriyad midna. Sababtoo ah, qabiilku waa unug wax kala qaybiya ee ma aha mid wax mideeya. Umadna waxaa looga baahan yahay midnimo. Mar kale, qabiil in qaran lagu dhisto waxaa Soomaalida la jecel ummadaha la colka ah ee raba inay kula dhaqmaan qaybi oo xukun.
Qaran ku dhisan qowmiyad, waa mid hirgeli kara haddii la heli karo caddaalad, dhaqaale iyo ammaan madax bannaan. Haddii caddaalad la waayo, suurtogal ma aha in Soomaalidu wax isla wadaagto inkasta oo loogu heeso “Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada eey.” Maxaa yeelay waxaa hore loo yidhi, “Rag caddaalad waayaa sidii cawsha kala yaac.” Yacnii haddii caddaalad la waayo, qabiilkii ayaa dabiici ah oo loo laabanayaa. Sidoo kale waxaa la hirgelin karaa qaran ku dhisan qowmiyad haddii dhaqaale la helo isla markaana caddaalad loo maamuli karo.
Qaran ku dhisan Islaamnimo ama qaran Soomaaliyeed oo Islaami ah, waa midka keli ah ee hirgelin kara ummad Soomaaliyeed oo sharaf iyo xoog leh. Sababtoo ah, Soomaalidu aad ayey u rumaysan tahay Islaamnimada, waxaana suurtogal ah inay naftooda iyo maalkooda ku difaacdaan qarankaas. Caddaaladda Islaamka waa ay ku kalsoon yihiin oo xitaa haddii xukunku gacanta ugu jiro cid aan isku qabiil la ahayn, waa loo hoggaansamayaa badiyaaba.
Laakiin Soomaali iyo qarannimo Islaam ku dhisan la isuma oggola. Yacnii beesha caalamka ee xilligan ayaan oggolayn. Waxaanan ku qanacsanahay, xitaa haddii boqolkiiba boqol Soomaalidu sidaas doortaan, in lagu soo duulayo oo aan loo oggolaan karin fursad ay u helaan qaran Islaamnimo ku salaysan.
Bal haddaba akhristow adiguba xalkii soo hel. Weliba aan kuugu celiyee, Islaamku waa quwad midayn karta oo xoogayn karta Soomaalida. Qabiilkuna waa gol-jilic laga burburin karo oo kala kaxayn karta Soomaalida. Qowmiyadduna waa kolba kii ay labadaas u dhawaato. Haddii ay Islaamnimo u dhawaato rajo ayaa jirta, haddiise ay qabiilka u dhawaato quus keli ah ugu talo gal.

TIXRAACYO
1. Diiwaanka Gabayadii Sayidka – Aw Jaamac Cumar Ciise
2. Hal Aan Tabayey: Baal-Taariikheedkii iyo Gabayadii Xaaji Aadan Afqallooc – Maxamed Baashe X. Xasan
3. Gabayadii Cismaan Keenadiid – Yaasiin Cismaan Keenadiid
4. Geeddi-Socodkii Yuusuf Xaaji Aadan Qabille – Saynab Yuusuf Xaaji Aadan
5. www.hoygasuugaanta.com
6. www.doollo.com
7. www.toggaherer.com
8. www.somalitalk.com
9. Cajalado maqal iyo muuqaalba leh oo ay duubeen abwaanno kala duwan.
10. Soomaali Weyn: Dhalashadeedii iyo Dhabarjabkeedii – Dktr. Saadiq Enow
11. Culuumta Maansada – Siciid Maxamuud Gaheyr
12. Xog ururin iyo ogaal toos ah.

AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA
Maxamed Xirsi Guuleed “Cabdi-Bashiir”

Buuggani waa taariikh, suugaan, siyaasad iyo waddaniyad kolba sidii aad u akhrido. Wuxuu ku milicsiinayaa taariikh dhaweyd oo gumaysteyaal ku habsadeen umadda Soomaaliyeed iyo siyaabihii looga falceliyey iyo jawaabtii gumaystayaasha ee falcelintaas. Waa suugaan ay tiriyeen geesiyaal dhiidhiyey oo ay kuwani kamid ahaayeen:

Rajulka kaafur ah ee rugtaan yimid
Sidii rasuul Rabbi nooma soo dirin
Mana rabnoo naga reed bax waa niri.
– Sheekh Axmed Gabyow, 1891

Idinkaa dalkaba lehee, dawlad maad u noqotaan
Illeen doqoni calaf maleh, dubaax maxaa ka baylahay.
– Sayid Maxamed Cabdille Xasan, 1900-1920

Kol haddii dhulkeenii xadkaas, dhereran loo yeelay
Oo moodhikaar lagu dhibtiray, wada dhabbaynaayo
Dhallaan weeye kii haybiyaa, dhaqasho xoolaade.
– Muxumed Aw Cabdi Xaashi, 1939

AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA waa jeedal weli ku laba dhacaya naannida damiirka qofka Soomaaliyeed. Nus qarni in ka badan ka hor, ayuu Maxamed Ismaaciil “Barkhadcas” shaabuuggaas isla dul taagey oo la dhacay demmanaantii maanka Soomaalidii la gumaysanayey. Karbaashkaas mid la mid ah ayuu, mar kale maantana, 54 sannadood ka dib, qoraaga buuggani inagu oogayaa. Tebinta dhacdooyinka taariikheed ka sokow, wuxuu buuggani ka kooban yahay suugaan naqwo ah oo dareenka hurda-jiifka ka kicinaysa, sahanna u ah aragti qawmi ah oo cokaniyo dhis qaran oo Alle-yaqaan ah.
– Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Buuggani waa qayb ka mid ah sooyaalka ummaddan maanta kala daadsan iyo halgankii ay soo martay oo loo cuskaday suugaanta oo ah diiwaanka kaliya ee loo laabmo haddii la rabo in wax la qoro. Maanta oo kale buuggani waxa uu hiil u yahay dhallinyarada Soomaalida ee nasiib u wayday in dugsiyada ay ku bartaan sooyaalkoodii dhabta ahaa ee awowyaashood iyo dalkooduba soo mareen.
– Cabdalla Xaaji Cismaan, qoraaga buugga Xeer Ciise

Suugaan mug wayn oo laga dheehanayo hal-abuur cufkiisu buuxo weeyaan. Alle ha u wada naxariisto raggaas, waa fikradahoodii iyo aragtidii ay dejiyeen sababta ay Soomaali ku guuleysatey.
– Dktr. Saadiq Enow

ISBN: 978-91-976661-5-7

Af-Qalaad Aqoontu Miyaa?

Maxaa keenay in dadka Soomaaliyeed ay afkoodii hooyo ka doorbidaan afaf qalaad?

Waxaa qoray Axmed Cali M. Khayre iyo Maxamed Cali Cibaar

Qormadan aan ku magacownay Af-Qalaad Aqoontu Miyaa? waxaa kallifay in aan qorno kadib markii aan aragnay xaaladda qatarta ah ee uu ku sugan yahay afkeennii hooyo, kaasoo la dhihi karo, diinta oo ay Soomaalidu boqolkiiba-100 Muslim tahay ka sokoow, waa xididka ugu muhiimsan ee maanta isku haya guud ahaan Soomaali Weyn meel kasta oo ay joogto, maadaama arrimihii kale ee umadda isku hayey ay dhibaatooyin ka taagan yihiin; sida calankii, dhaqankii, dhulkii iyo wada-dhalashadiiba.

Soomaaliya waxay nasiib u-yeelatay inay kamid noqoto saddexda waddan ee qaaradda Afrika looga hadlo halka luqad, iyada oo labada kalana ay yihiin Swaasilaan iyo Lesooto oo ah waddamo aad u yar yar. Bal akhristow u-fiirso nimcada Ilaahey na-siiyey ee aan laga faa’idaysanayn. Waddanka aan dariska nahay ee Itoobiya waxaa looga hadlaa in ka-badan 70 luqadood oo leh 200 oo lahjadood.

Haddaba qormadan haddii Alle idmo waxaan rabnaa in aan ku eegno su’aalo ay udub-dhexaad u-tahay: Maxaa keenay dadka Soomaaliyeed oo Ilaaheey nimcadaas ku galladaystay uuna siiyey hal af, ay maanta ku wada xiriiraan luqado qalaad?

Quursiga iyo ku qanacsanaan la’aanta Af-Soomaaliga

Haddii aad u-fiirsatid inta badan Soomaalida qurbe-joogta ah, mar mar waxaad is-weydiinaysaa goorma ayay qasab noqotay in lagu wada xiriiro afaf qalaad? Sida kala-qorashada telefoonnada, cinwaannada iyo wixii lamid ah. Waxaa suurto gal ah in aan inteenna badan aragno laba qof oo Soomaali ah oo ku xiiqsan iney isku yeeriyaan lambar telefoon oo ka kooban toban lambar ama ka-yar, maadaama labadooda midkood ay ku adag tahay luqadda wax leysugu yeerinayo, iyadoo lagaba yaabo in tobankaa lambar lagu kala sheego dhowr luqadood oo kala duwan sida koow, two, sei, acht iyo wixi la mid ah. Taasoo laga yaabo in waqti dheer uga dhumo, oo haddana waliba ay suurto-gal tahay in wixii leysku yeerinayay qalad loo kala qorto. Haddaba walaalayaal miyeysan ahayn wax lays weydiiyo, maxaa na-geliyay dhibaato aan Alle na badin, oo keenay inaan quursanno kuna qanci weyno afkeenna qaaliga ah?

Arrinta kale oo aad la-yaabka u lehi waxay tahay in qoraallada lagu soo bandhigayo bogagga ay Soomaalidu ku leeyihiin shabakadaha internetka badankoodu ay ku qoran yihiin luqadaha qalaad sida Ingiriisiga. Waa macquul in qoraallada qaar loogu talo-galay dad aan Soomaali ahayn. Waxase aan ka hadlaynaa waa qoraallo aad arkaysid in loogu tala galay dadka Soomaaliyeed, isla markaana lagu qorayo af-ajnabi. Qormooyinkaas qaarkood ma-laha wax nuxur ah, waxaana intaa u sii dheer dhaliil luqadeed.

Waxa kale oo jira in dhalinyarada ku kortay qurbaha ay inta badan iskula xiriiraan luqadaha wadamada ay joogaan iyaga oo aan danaynayn luqaddoodii asalka ahayd. Waxaana wax laga naxo ah in waalidiinta qaar ayba arrintaas ku faraxsan yihiin oo ayba ku faanayaan in aan carruurtoodu Af-Soomaaligaba fahmin, laakiin ay ku gabyaan luqadaha qalaad. Cajiib!

Dadka luqadaha kale wax kusoo bartay ayaa iyaguna ku tacaddiya luqadda Soomaaliga, waxaadna arkaysaa marar badan iyada oo aysan hadalladooda la socon karin dad aan aqoon u-lahayn luqadaha qalaad oo ay isticmaalayaan. Lama inkiri karo inay jiraan erayo-cilmiyeed badan oo aan weli la-Soomaaliyeyn, laakiin ma ahan in of course, allora, iyo maca-daalika, iyo wixi la mid ah laga dhammaan waayo.

Waxaa kale oo in la xuso mudan shirar badan oo weliba lagu magacaabo shirarka aqoonyahannada, kuwaasoo aad arkayso in la-dafirayo af-Soomaaligii laguna daadihinayo luqado qalaad. Shir dadka jooga ay boqolkiiba-99 Soomaali yihiin ayaa waxaa dhacda in luqadda shirku ku socdo ay noqoto mid qalaad. Waa la-yaabe, ma boqolkiiba-1ka ajnabiga ah ayaa lagu qadarinayaa arrintaas, mise ku-hadalka afka qalaad ayaaba ammaan iyo ilbaxnimo loo haystaa?

Heerka ay gaartay xaqiraadda uusan mudneyn ee la xaqirayo af-Soomaaliga waxaad si dhab ah uga arki kartaa dhaqanka qaabka daran oo ay la-yimaadeen siyaasiyiin-isku-sheegga maanta Soomaalida horkaca. Bal u-fiirso qoraallada ka warramaya qorshahooda waxqabad ee ay soo bandhigeen kuwa isku sharaxaya hoggaanka waddanka dhammaantood, imisa ayaa ku qoran af-Soomaali? Imisa ayaase ku qoran af-Ingiriis? Waxaa lays weydiin karaa qoraalladani ma barnaamij loogu tala-galay dadka Soomaaliyeed iney aqristaan oo ay fahmaan si ay wax ugu qiimeeyaan baa, mise waa lifaaq la socda arji ku socda qoom iyo qaarado kale?

Maxaa keenay in aan qiimeyno luqadaha qalaad?

Sida aan ognahay waqtigii gumaysiga waxaa wadanka arrimihiisa oo dhan mas’uul ka ahaa dawladihii Yurub ee na-haystay. Waqtigaas si qofku shaqo uga helo dawladda waxaa uu ku qasbanaa inuu ku hadlo luqadda gumaystaha. Gumaystayaashuna waxay shaqooyinka yar yar ku aamini jireen Soomaalida luqaddooda taqaanna, taas oo aqoontiiba ka dhigtay ku-hadalka luqaddii gumaystayaasha. Markii uu gumaysigu tagayna waxaa waddanka jagooyinkiisii dhaxal u-helay dadkii luqadaha ajnabiga ah bartay. Marka la-eego aqoonta kale waxaa xusid mudan in 1960kii Soomaalida aqoontoodu ay gaarsiisan tahay heer jaamacadeed oo xitaa lagu daray ardadii jaamacadaha dhiganayay ay guud ahaan tiradoodu ahayd 27 qofood.

In kasta oo xukunkii milatarigu uu hirgaliyey qorista iyo akhriska af-Soomaaliga ayna soo baxday halhayskii caanka noqday ee “Afkii qalaad ha moodin carrabku qaldi maayee sidii caanaha qurquriyaay,” haddana arrintaasi ma hakin qiimayntii xad-dhaafka ahayd ee ay dadka Soomaaliyeed u-hayeen luqadaha qalaad. Taasna waxaa ka qayb-qaatay maamul-xumadii xukunkii milaratiga oo isaguna markiisa jagooyinkii muhiimka ahaa inta badan u-dhiibay dad u daacad ah oo aan aqoontoodu dhaafsiisnayn qoridda iyo akhrinta Af-Soomaaliga. Waxaana arrintaa ka marag-kacaya hal-ku-dhaggii hirgalay ee “Jaahil kacaan ah ayaa ka mudan jaamici kacaan-diid ah.” Xaalkii wuxuu noqday “ka dar oo dibi dhal.” Arrintaas iyo kuwo kalena waxay keeneen in dadkii ayba lasii colloobaan luqaddoodii, qaar badanna ay la-noqotayba in caddaalad-darrada iyo horumar-la’aantii jirtay uuba Af-Soomaaligu masuul ka ahaa.

Burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya wuxuu dhaliyay taag-darro kusii timaadda isticmaalkii af-Soomaaliga. Waxaa meeshii ka baxay manhajkii dhexe ee waxbarashada Soomaalida oo kaalin weyn uga jiray kobcinta af-Soomaaliga sida horumarinta eray-cilmiyeedyada iyo wixi la mid ah. Waxa kale oo iyaduna meesha ka baxday luqad-xirfadeedkii iyo tii maamul ee dawladda.

Horraantii sagaashameeyadii, markii ay hay’adihii ajnabigu gargaarka iyo shaqooyinka u-aadeen Soomaaliya, ayaa waxaa badatay baahidii iyo isticmaalkii afafka qalaad, waxaana cirka isku sii shareeray qiimahoodii. Waxaa kale oo door lixaad leh ka qaatay tabardarrada ku timid afkii Soomaaliga, qixii ay dad u badan dhallinyaro oo Soomaali ahi qurbaha ku-yimaadeen. Taas oo lagama-maarmaan ka dhigtay in dadkaasi ay aad isugu hawlaan barashada afafkii waddamada ay u-qaxeen si ay ula qabsadaan nolosha cusub ee lasoo deristay.

Dhibaatooyinka ka dhalan kara Af-Soomaaliga oo dhuma

Waxaa muuqata khatar weyn oo ka imaan karta dayicidda af-Soomaaliga, oo ay ugu horreyso inuu meesha ka baxo xiriir aad iyo aad muhiim u-ahaa oo aan ku-tilmaami karno xidid xooggan oo isku-haya ummadda Soomaali Weyn. Waxaa muuqata inuu meesha ka-baxayo xiriirka ehellada iyo is-garabsigii qaraabannimo. Waxaana la wada-soconnaa in loo kala turjumo carruur walaalo ah oo kala-joogta labo qaaradood. Waxaa sidoo kale dhacda in waalid iyo carruurtiisii ay is-fahmi waayaan oo ay dani qasabto in loo kala-turjumo. Bal waa yaabe maxay isku yihiin dad iyagiiba loo kala-afcelinayo?

Halis aan la fududeysan karin ayaa iyaduna kasoo muuqata xiriirka sii kala-fogaanaya ee ummadda iyo qaar aqoonyahannadeedii mustaqbalka ka mid ah. Maxaan ku tilmaami karnaa xaalka dhaqtar Soomaaliyeed oo aan waxba ka fahmeyn cabashada bukaankiisii Soomaaliga ahaa? Ama injineer Soomaaliyeed oo shaqaalihiisa weydiinaya waa maxay shub, tiir, darbi iyo wixi la mid ah.

Dad badan oo aqoontoodu waxtar yeelan lahayd ayaa iska dhaadhiciya in aanay waxba qaban karin maadaama ayna luqadaha ajnabiga ku hadlin. Halkaasna waxaa ka dhasha barabixin lagu sameeyo aqoon badan oo loo baahnaa.

Muhimadda Ilaalinta Luuqadda Hooyo

Waa arrin aad u muhiim ah in la-ogaado qiimaha ay dadka u-leedahay luqaddooda oo ah sharaftooda iyo jiritaankooda. Dadka Soomaaliyeed oo intooda badan celcelis ahaan jooga qurbaha 7 illaa 9 sano, ayaa waxaa wax laga naxo ah inuu si xawli ah uga sii tirtirmayo afkoodii iyo dhaqankoodiiba, iyada oo ay dadyowga qaarkood oo ku noolaa qurbaha gaar ahaan waddamada reer-Galbeedka in ka-badan 50 sano ay weli si wanaagsan u dhawrtaan luqaddooda, dhaqankooda, diintooda iyo jiritaankoodaba.

Dawladaha horay u-maray ama ay hoggaamiyaan dadka waxgaradka ah waxaa lagu dadaalaa in la-adkeeyo hirgalinta luqadda, xitaa waxay ku bixiyaan kharash iyo shaqo badan sidii luqaddooda kor loogu qaadi lahaa. Bal aan fiirinno dadaalka ay u-galaan adkaynta luqaddooda waddamada ku bahoobay Midowga Yurub. Golaha baarlamaanka Yurub wuxuu hadda ka-kooban yahay 626 qof, taas oo la filayo inay noqoto illaa 732 marka ay kusoo biiraan waddamada cusub sanadka foodda inagu soo haya ee 2004ta.

Waxaa xusid mudan in kulamada baarlamaanka, xubin kasta loo oggol yahay inay ku hadasho luuqaddeeda. Xubnahaas oo ka kala-yimid waddamo kala duwan. Wadan walba wuxuu ku adkeystay inuu luuqaddiisa ku hadlo, hadalkaas oo isla-markiiba la-turjumayo. Turjumaaddaas hadalka waxaa sii dheer kan qoraalladda ay xubnuhu soo gudbiyaan oo dhan, waxaana halkaas ku baxa lacago aad u fara badan oo gaaraya malaayiin doollar sanadkiiba. Xubnahaas baarlamaanka ku-jira waxay u badan yihiin dad ku hadla luqadaha ay ka midka yihiin Ingiriiska iyo Faransiiska iyo wixi la mid ah, kuwaas oo ay si fudud isugu af-garan karaan. Laakiin waxay doorteen in xubin kasta ku hadasho luqaddeeda, taas oo noo caddaynaysa sida dunida horay u-martay ay u-danaynayaan uguna dadaalayaan jiritaanka luqaddooda asalka ah, taasoo ah dhaxalka ugu muhiimsan oo ay u-dhaafayaan dhallaankooda.

Talo Soo-Jeedin

Inkastoo aad laysugu waafaqsan yahay faa’idooyinka barashada luqadaha qalaad, haddana taas macnaheedu marnaba ma noqoneyso in la-illoobo oo daaqadda laga tuuro afkii hooyo. Si aan haddaba u wada-ilaashanno nimcada Ilaah noogu deeqay ee aan nasiibka u-helnay, waxaan guud ahaan ummadda Soomaali Weyn gaar ahaan kuwooda qurba-joogta ah u soo-jeedineynaa talooyinka soo socda:

  • Waa in waalidiintu ay xil weyn iska-saaraan carruurtooda kuna ababiyaan jacaylka iyo barashada afka Soomaaliga. Inta badan waxaa la-arkay in carruurta lumisa luqaddooda ay ka fogaadaan diintooda iyo dhaqankoodaba. Cilmi-baarisyo la-sameeyey ayaa waxaa ka-caddaatay in carruurta luqaddooda sida fiican u-barata ay u-fududaanayso barashada tan ajnabiga waddanka ay markaas ku nool yihiin.
  • Waa in aan ogaanno in ku-faanka isticmaalka luqad qalaad aysan noo kordhineyn wax darajo ah haba yaraatee. Waxaana noo qurux badan in aan si raaxo leh u-isticmaalno afkeenna hooyo.
  • Waa inaan mar kasta ka-foojignaanaa inaan qof Soomaali ah kula hadalno af-qalaad sabab-la’aan. Waana lagama-maarmaan inaan ka qeyb-qaadanno hirgelinta luqaddeenna, kana fogaanno wiiqiddiisa si toos ah iyo si dadbanba.
  • Waa inaan ogaanno farqiga u-dhexeeya luqadda iyo cilmiga; luqaddu waxay ka mid tahay cilmiyada la-barto, laakiin cilmi oo dhami ma aha luqad. Haddaba waxaa habboon in qof kasta lagu qiimeeyo heerkiisa garasho iyo aqooneed.
  • Waxaa naga talo ah in dadka sameeya qoraallada ama abaabula shirarka loogu tala-galay dadka Soomaalida ah, ay isticmaalaan afka Soomaaliga oo ah kan ay ugu fahmi og yihiin, haddii aysan jirin sababo maangal ah oo qasab ka dhigaya in dadka wax loogu sheego af-qalaad.

Waxaa diyaariyay Axmed Cali M. Khayre iyo Maxamed Cali Cibaar
aakhayre@hotmail.com | mohamed_ebar@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | 2da Luulyo, 2003

Diintan

DIINTAN

Produced by
The Holy Koran Publishing House
P.O. Box 7492, Beirut, LEBANON
P.O. Box 2409, Damascus, SYRIA

Filmset by THE GRAPHIC ARTS SERVICES Beirut

 

MIDOWGA ISLAAMKA CAALAMIGA EE URURADA ARDAYDA

DIINTAN

Waxaa Qoray
SAYID QUDUB

Waxaana Tarjimay
Cabdirasaaq Caqli

I.I.F.S.O.

1400 A.H. – 1980 A.D.

IN THE NAME OF ALLAH THE MERCIFUL THE COMPASSIONATE

 

HAB BANII’AADMI

Waxaa jirta xaqiiqa bilow ah oo dabeecadda diintan ah iyo habka uu ugu hawlgelayo nolosha aadamiga. Xaqiiqadaasi bilowga ah ee fudud waa la iloobaa ama khalad baaba laga fahmaa. Illowgeedaasi iyo tixgelin-la’anteedaasi waxaa ka dhasha khalad wcyn marka diintan la gudagelayo, ha ahaato xaqiiqadeeda dhabta ah, taariikhdeeda waaqiciga ah ee waqtigan iyo Mustaqbalkeedaba.

Dadka qaarkii waxay Islaamka ka filayaan, maa daama uu yahay mid Eebbe soo dejiyey, inuu nolosha banii’aadmiga ugu hawlgalo si mucjiso ah, caqligalka ka weyn, oo sababo aan la malayn karin leh. Waxay ka filayaan inay u socoto iyadoon la tixgelin dabiicadda banii’aadmiga, awooddooda fidriga ah iyo waaqicigooda maadiga ah ee marxaladaha kala geddisan ee hor-u-marka banii’aadmiga bii’ad kasta noloshiisa ka mid ah.

Marka ay arkaan inaanu habkaasi ku socon, oo ay la hawlgelayaan awoodda aadamiga ah ee xaddidan, iyo waaqiciga maadiga ah ee nolosha banii’aadmigu, mar-marka qaarkoodna labadaasi arrimood si cad oo sugan ay diintu usoo jiidato. Mararka qaarkoodna ay ka hortimaaddo. Ay xoojiyaan shahawaadka iyo damaca aadmigu, tabardarridooda iyo nuqsaantooda, iyagoo iska-hortaagaya sidii ay u raaci lahaayeen baaqa diinta, jidkeedana ay ugu socon lahaayeen.

Marka ay taasi arkaan ayuu niyad-jab lama filaan ahi ku dhacaa. Waxaana waxyeello gaadhaa kalsoonidoodii ay u hayeen diintan iyo habkeeda nolosha. Mararka qaarkoodna shaki ayaa diintaba ka gala.

Sidaas awgeed, qaladaad farabadan ayaa ka dhasha qalad keliya oo aasaasi ah. Kaasi oo ah iyadoo khalad laga fahmay diintan iyo habka ay u socoto ama la illoobay oo loga tallaabsaday xaqiiqadaasi bilowga ah ee fudud.
Diintani waa hab Ilaahi ah ee nolosha banii’aadmiga. Xaqiijinteeda nolosha aadamiguna

waxay ku xidhan tahay dedaalka banii’aadmiga naftiisa ee aan dhaafsiinayn awoodiisa aadami iyo soohdinta waaqaca maadiga ah ee nolosha dadka bii’ad sugan. Hawshuna waxay ka bilaabantaa meesha uu aadamigu ka helayo qalabka loo baahan yahay. Waxayna soconaysaa ilaa dhammaadka jidka iyadoon la dhaafayn soohdinta awoodda aadamiga iyo dedaalka ay ku bixiyaan awoodaasi.

Astaanta gundhigga ah ee Islaamku waa: Mar keliya ma iloobo, mar kasta iyo meel kastaba, jiritaanka aadamiga iyo xuduudda awoodiisa, iyo waaqica noloshiisa maadiga ahba. Isla-mar-ahaanta, wuxuu gaadhsiinayaa. Sida marar-horeba dhacday, dhicina karta, haddii la sameeyo dedaalka lagama maarmaanka ah, heer aanu hab keliya oo banii’aadmigu samaystay gaadhin. Taasi oo lagu gaadhi karo si hawlyar, raaxo leh sugan oo qumman.

Khaladka oo idili xuxuu ka yimaadaa marka laga tallaabsado ama la iloobo dabeecadda diintan, ee laga filo khawaariq dhalan-rogta jiritaanka dadka ee aan oggolayn awoodiisa xadidan, tixgelina waaqaca maadiga ah ee bii’addaasi.

Miyaan diintan Ilaahay soo dejin? Miyaanu Ilaahayna wax kasta awoodi karin? Hadaba maxay diintani ugu hawlgashaa oo keliya soohdinta awoodda aadamiga ee xadidan? Maxayna go’aanada hawlgalkaasi ugu egyihiin tabar-yaraanta aadamiga? Maxayna had-iyo-jeer u guuleysan weeyday? Dadka wataana maxay had-iyo-jeer u heli-waayeen guusha? Maxay mararka qaarkood saafinimadeeda iyo nadiifnimadeeda uga kor-maraan shahawaadka iyo maadaduba? Maxay mararka qaarkoodna dadka baadilka wadaa uga guuleystaan dadka xaqa ku taagan? Arrimahaasi oo idili, sida aynu aragno, waa su’aalo iyo qalad fahan ka soo abuurmay xaqiiqadii bilawga ahayd ee laga tallaabsaday ee ay iska-lahayd dabeecadda diintan iyo habka ay u hawlgasho.

***

Run ahaantii, Ilaahay wuu awoodaa inuu ku bedelo abuuritaanka aadamiga jidka diintan ama jid kaleba. Laakiin Isagaa sarreeyc Wuxuu doortay inuu dadka u abuuro fidradaasi uu ku sugan yahay. Taasina ay ugu wacan tahay xikmad uu isagu uun ogyahay. Wuxuuna doonay inuu hanuunka ka dhigo midhaha ka soo baxa dedaalka iyo doonista hanuunintaasi.

“Kuwa noo soo jihaada, waxaanu ku soo toosinaa jidadkannaga.”

Wuxuu kaloo doonay inay fidrada aadamigu noqoto mid had-iyo-jeer hawlgasha oo aan marnaba istaagin, caddilminna.

“Nafta iyo waxa wadaba. Wuxuu ku ilhaamiyey xumaan iyo Alle-cabsi. Waxaa liibaanay kii nadiifiya. Waxaana hoogay kii qarriba.”

Wuxuuna doortay inuu ku dhammaystiro xaqiijinta habkiisa Ilaahiga ah ee nolosha aadamiga, jidkaasi ah dedaal aadami oo ku eg xuduudda awoodda dadka.

“Run-ahaantii, Ilaahay ma bedelo xaaladda ay dad ku sugan yihiin ilaa ay dadkaasi bedelaan waxa naftooda ku sugan.”

“Haddii aanu Ilaahay sugeen in dadka qaarba qaar wax u diidayaan waxaa kharribmi lahaa dhulka oo idil.”

Wuxuuna doortay inuu dadka ku gaadhsiiyo waxaasi oo idil, hadba siduu dedaal ula yimaaddo iyo awoodda uu bixiyo. iyo dhibta uu u samro si uu xaqiijiyo habkaasi Ilaahiga ah ee qumman, naftiisuna uga meydho xumaan oo idil. nolosha ku xeeran oo idilna u hagaajiyo.

“Ma waxay dadku moodeen in lagu dhaafayo inay yidhaahdaan oo keliya, ‘Waanu rumaynnay,’ iyagoon la imtixaanin? Waxaannu imtixaannay kuwii ka horeeyey. Runlowga ah iyo kuwa beenlowga ah.”

Mana aha in qof khalqiga Ilaahay ka mid ahi weydiiyo Ilaahay sababta uu u doortay sidaasi uu isagu doonay. Mana aha in qof khalqigiisu ka mid ahi, maa daama aanu qofna ahayn Ilaah, aanuna lahayn cilmi iyo awood cilmi toona, weydiiyo nidaamka guud ee uunkan iyo go’aanada nidaamka ee ku dhex-jira dabiicadda khalqi kasta oo ka mid ah jiritaanka.

Waayo? Waxaa la xidhiidha su’aal aanu weydiin karin mu’min dhab ah, weydiina karin mulxid dhab ahi. Mu’minka dhabta ahi waxaanu u weydiin karin waayo aadaabtiisu xagga Eebbe way ku weyn tahay. Eebbahaasi oo uu si fiican u garanayo naf-ahaantiisa, sifooyinkiisa iyo astaamihiisaba. Aqoon weyn u leeyahay dabeecadda garaadkiisa aadamnimo iyo soohdimihiisaba taasoo aanay suuragal u ahayn inay ka hawlgasho aaggaasi. Mulxidka dhabta ahina wuxuunu u weydiin karin waayo mabo aqoonsana jiritaanka Ilaahay haba yaraatee. Haddii uu isagu aqoonsado Ilaahnimadiisa wuxuu isla-mar ahaantaas garanayaa haybadiisa iyo astaamaha Ilaahnimadiisa. Lamana weydiin karo wuxuu falo. Hadana wey weydiinayaan. Waayo isagoo keliya ayaa wax walba og. Ogna wixii uu falo.

Su’aashaasi waxaa weydiin kara oo keliya mid dheel-dheelaya oo geleb-gelab ah. Aan ahaynaa mu’min dhab ah iyo mulxid dhab ah toona. Sidaas awgeed loomaba baahna in wax ka soo qaadba uu yeesho oo layskuba hawliyo. Mid jaahil ah ayuun baa weydiin kara xaqiiqada Ilaahnimada iyo astaamaheeda. Sida keliya ee wax lagu bari karaa kaasi jaahilka ahina waa iyadoon jawaab toos ah la siinin, ee la garansiiyo xaqiiqada Ilaahnimada iyo astaamaheeda.

Haddii uu garto oo uu rumeeyo waa qof mu’min ah markaasi. Haddii uu dafiro oo uu diidana waa mulxid. Sidaas ayay dooduba ku dhantahay ilaa uu muran yimaaddo. Haddii dooddu isku bedesho muranna qofka Muslimka ah loomaba oggola inuu laba sii wado.

Gabagabada ay arrintaasi ku soo dhammaanaysaa waa in aanu qof khalqiga Ilaahay ka mid ahi su’aali karin sababta uu Ilaahay u doortay inuu banii’aadmiga sidaasi u abuuro (fidradaasi). Muxuuna u doortay inuu ku waariyo fidradiisaasi inay noqoto mid hawlgal joogta ah leh oo aan marnaba kala go’ayn. Muxuuna u doortay inuu ka dhigo habka Ilaahiga ah ee noloshiisa aadminimo inay ku suura-gasho jidkaasi ah dedaal banii’aadmi oo ku eg xuduuda awoodda aadamiga. iyo waaqaca maadiga ah ee noloshiisa. Kamuuna yeelin inuu ahaado mid ku suurogala hab caqli-galka ka weyn oo leh sabab qarsoon oo aan la ogaan karin.

Laakiin waxaa lagama maarmaan ah in qof kasta oo khalqigiisa ka mid ahi ogaado xaqiiqadaasi oo uu garto, indhihiisana ku arko iyadoo si dhab ah uga hirgalayso waaqaca nolosha banii’aadmiga. Waana inuu xaqaa’iqa taariikhda banii’aadmiga ku muujiyaa Iftiinkaasi, isagoo dhinac ka og jidka socodkeeda taariikhiga ah, dhinaca kalena ka og sidii uu u wajihi lahaa, ugulana noolaan lahaa xikmadda Ilaahay iyo qadarkiisa, meesha saxa ahna iskaga taagi lahaa.

Habkaasi Ilaahiga ah ee uu matelayo Islaamka suuraddiisa kama-dambeysta ah siduu innoo keenay Nebi Muxammad () ugana suurogelayo dhulkani, iyo adduunkanba si uu kor ka imanayo uun.

Kumana suura-gelayo erayga Ilaahiga ah ee ah “Noqo!” uun oo loo caddeeyo kumana suura-gelayo maquunis Ilaahi ah oo la mid ah sida uu u wado uunka ku wareegaya falaga iyo socodka kowkabyada, ee wuxuu ku suura-gelayaa isagoo uu qaado urur dadka ka mid ah, oo iimaan buuxa ku rumeysan una oogaya sidiisa dhabta ah inta karaankoooda ah, kuna dedaalaya inay ku sugaan quluubta dadka kale iyo noloshoodaba. Kuna jihaadaya himiladaasi wixii karaankooda ah oo idil. Waxay la jihaadayaan tabar-daridda aadamiga iyo hawada naftooda. Waxayna la jihaadayaan dadka ay tabar-yarida iyo hawada iska hortaagtay iney helaan hanuunintaasi. Waxayna gaadhayaan intaas oo dhan kadib marka uu habkaasi xaqiiqoobo, heer ay fidrada aadamiga ku suuragasho una diyaarsan waaqaca maadiga ah. Waxayna dadka kala bilaabaan meesha ay ku sugan yihiin mana is-madax-mariyaan xaaladdooda dhabta ah iyo waxay rabaan, iyagoo ku socda oo maraya marxaladaha habkaasi Ilaahiga ah. Ururkaasi wuxuu ka adkaan naftooda iyo nafta dadka kaleba mararka qaarkood. Mararka qaarkoodna. waxaa jebin naftooda iyo kuwa dadka kale. Si hadba le’eg dedaalka ay bixiyaan iyo wasiiladda ay u doortaan diritaasi ee ku habboon munaasabadda xilligaasi iyo baahida waqtigaasi. Waxaana intaasi oo idil ka sii muhiimsan sida ay xil isaga saaraan xaqiijinta habkaasi iyo hirgelintiisa dhab ahaaneed marka la eego waaqacooda iyo asluubtooda gaar-ahaaneed.

Waa taasi dabiicadda diintan iyo jidkeeduba, waana taasi qorshaheeda, hawlgalka, dhaqdhaqaaqeeda iyo habkeeduba. Waana taasi runta uu Ilaahay rabo inuu baro bulshada Muslimka ah marka uu yidhi: “Run ahaantii, Ilaahay ma bedelo xaaladda ay dad ku sugan-yihiin ilaa ay dadkaasi bedelaan waxa naftooda ku sugan.”

“Haddii aanu Ilaahay sugeen in dadka qaarba qaar wax u diidaan waxaa kharribmi lahaa dhulka oo idil.”

“Kuwa noo soo jihaada, waxaanu ku soo hadayn jidadkannaga.”

Waa taasi xaqiiqada uu Ilaahay doonay inuu baro bulshadii Muslimiinta Dirirtii Uxud markii ay suurogal noqon weyday inay matasho xaqiiqada dhabta ah ee diintani naf-ahaanteeda xilliyo ka mid ah dirirta. Waxay ka tallaabsatay oo ay illowday xaqiiqada bilowga ah. Waxayna u maleeyeen in guushoodu qasab tahay maa-daama ay Muslim yihiin, Ilaahayna wuxuu ku yidhi:

“Markii ay idinku timid dhibaato la mid ah, mid aad hore u aragteen waxaa tiraahdeen, ‘Maxay sidani u dhacday?’ Ku dheh, ‘Xaggiina ayey ka timid.'”

Wuxuuna ku yidhi Ilaahay:

“Wuu rumeeyey ballankiisii ahaa in oggolaanshihiisa aad ku tijaabisaan. Laakiin waa fashi-sheen, arrinkiina waa isku dirirteen. Waana caasideen kadib markuu idin tusay waxaa jeceshihiin. Waxaa idin kamid ah mid Aakhiro doonaya. Wuuna idinka jeediyey si uu idin imtixaano,”

Bulshadii Muslinka ahayd waxay xaqiiqadaasi baratay Dirirtii Uxud kumay baran hadal iyo canaan toona, ee waxay ku baratay dhiig iyo dhibato xanuun leh.

Waxayna bixisay wax qaali ah jebitaan ka dambeeyey guul, khasaare ka dambeeyo dhereg iyo dhaawac aan cidna dhaafin, iyo shuhado sharaf leh oo uu kamid yahay shuhadada Xamse Ilaahay raalli haka noqdee. Waxaana intaasi oo idil ka sii daran oo bulshada Islaamka kaga sii xumaa, waxaa lagu dhaawacay Rasuulkii Ilaahay ().

Waxaa la dakhray wajigiisii sharafta lahaa. Waxaana lagu jebiyey dhooshiisii ilkaha. Wuxuuna ku garab dhacay godkii uu qoday Abuu Camar kii faasiqa ahaa ee reer Quraysh la jiray soo gaadhay. Isagoo keligii ay la joogaan in yar oo asxaabtii ka mid ah oo marba mid la dilayo intii ay daafacayeen, mid ka mid ahina Abuu Dajaana uu dhabarkiisa ugaga dhigayo fallaadhaha ay mushrikiintii kusoo gamaysay, waxaana kolba dharkiisa ku dhacayey fallaadh laakiin kamuu dul dhaqaaqin ilaa ay Muslimiintii soo rogaal celisay iyagoo helay dersigaasi kulul ee qadhaadh. Waxaa haddaba inoo cad in suuro-gelinta habkaasi Ilaahiga ahi lagu gaadhayo dadaalka banii’aadmiga, xaqiiqana ay tahay inuu ku suura-gelayo xuduudda karaanka aadamiga taaso toosinaysa nafta dadka hagaajinaysana nolosha banii’aadmiga. Waxaynanu sidaas u leenahay ma aha inaynu sabab u yeelayno doonista Ilaahay si arrinka aynu uga dhigno sidii uu ka dhigay, laakiin waa inaynu tusno eegmo dhab ah waxyaalaha ka soo baxa hawshaasi doonistiisa ah ee nolosha addoomadiisa.

Xaqiiqada iimanku kuma dhammaystirmayo qalbiga ilaa dadka loo soo bandhigo halgan arrinka iimaankaasi ah. Qalbiga oo ay ka halgamaan oo ay ka nacaan baadilkooda iyo jaahiliyaddooda, goostaanna inay u raraan dhinaca xaqa iyo Islaamka.

Carrabkana ay ka halgamaan iyagoo gaadhsiinaya una caddaynaya dadka. Diidaanna baadilka aan meelna haysan. Caddeeyaanna xaqa uu inoo keenay Islaamku. Ka halgamaan gacanta si ay uga riixan hor-joogsiyada jidka hanuuka marka laga horkeeno xoog naxariis-darro iyo caga-juglayn qayaxan.

Halgankaasi waxaa lagula kulmi dhibaato iyo xanuun, waxaana loo baahan yahay dulqaad iyo sabir loo yeesho dhibaatada iyo xanuunkaba, loona sabro guul-darrada iyo guushaba, waayo sabirka guusha ayaa ka adag sabirka guul-darrada. Markaasi ayaa la sugnaanayaa, lana noqonaynin beerka jecli, xaydha jecli. Waana la toosayaa, lana leex-leexanaynin, waxaana loo qabsanayaa jidka iimaanka si cad oo qumman.

Xaqiiqada iimaankuna dhammaystirmayso qalbiga ilaa uu usoo banbaxo inuu dadka kula halgamo arrinka iimaanka. Waayo wuxuu la halgamayaa naftiisa marka uu dadka kale la halgamayo, waxaana iimaankiisa uga furmaya albaabbo aan u furmeen weligiina haddii uu iska fadhiyi lahaa isagoo xasiloon. Waxaana uga caddaanaya dadka iyo noloshaba xaqaa’iq aan weligiina u caddaadeen haddii aanu jidkaasi marin, waxayna gaadhayaan naftiisu, dareenkiisu, aragtidiisu, caadooyinkiisu, dabcigiisu iyo facaa’ilkiisuba hher aanay gaadheen weligood haddii aanu soo marin tijaabadaasi qadhaadh ee kulul. Taasina waxay ka mid tahay waxyaalaha uu Ilaahay innagu tilmaamay hadalkiisa:

“Haddii aanu Ilaahay sugeen in dadka qaarba qaar wax u diidaan waxaa kharribmi lahaa dhulka oo idil.”

Wax kharribmana waxaa ugu horeeya kharribaadda nafta oo la imanaysa istaag ay ruuxa joojinayso, himmadana laciifinayso ilaa ay ka dhigto wax mayd ah, sidaasi ayey kadibna nolosha oo idili unoqonaysaa mid mayd oo kale ah, oo ku dhaqdhaaqaysa oo keliya jawiga shahawaadka oo keliya. Sida ku dhacda ummadaha ku ibtilooba nimcada.

Taasina waxay ka mid tahay fidrada uu Ilaahay u abuuray dadka, wuxuuna ka yeelay qummanaanta fidrada mid la socota halganka loo halgamayo hirgelinta habka Ilaahay ee nolosha banii’aadmiga, taasi oo lagu gaadhayo dadaalka aadamiga ee ku eg xuduudda awoodda iyo karaanka aadamiga.

Halgankaasi iyo imtixaankaasi la socdaa waa sida lagu kala soocayo dadka isku dhex jira kadib markii nafaha la sifeeyey waxaana laga dhex-saarayaa dadka liita iyo kuwa iska-yeelyeelka ah, kuwa nafta iyo qalbiga jilicsan leh. kuwa ah khaa’imiinta, munafiqiinta iyo kuwa dadka is-tusaya. Waana tani xaqiiqadii uu Ilaahay doonay inuu baro bulshadii Muslinka ahayd iyadoo loo soo bandhigayo imtixaan, loona soo bandhigayo dhibaato, lana qeexayo waxyaalaha nafta ku dahsoon. Sidoo kalana la kala-soocayo dadkii isku dhex jiray iyadoo la marinayo dhibaato, tijaabooyin culus iyo xanuun qadhaadh.

Waana tani xaqiiqadii uu Ilaahay doonay inuu baro bulshada Muslimka kadib Dirirtii Uxud, markii uu yidhi isagoo ka jawaabaya su’aashii Muslimiinta, “Waa maxay sidani?” Ku dheh, “Xaggiinna ayay ka timid.”

Wuxuuna isagoo sii wada yidhi, “Waxa idin gaadhay maalintii ay labada col kulmeen waa wax ku yimid oggolaanshaha Eebbe, si uu u ogaado kuwa mu’miniinta ah iyo kuwa munafiqiinta ah.”

“Ilaahay umuu gelin mu’miniita xaaladdassi aad ku jirtaan sabab kale ee waxay ahayd uun inuu ka dhex-saaro ka xun kuwa fiican.”

“Iyo inuu Ilaahay ogaado kuwa rumeeyey, idin kalana dhex baxo shuhado. Ilaahayna ma jecla daalimiinta, ee inuu imtixaano kuwa rumeeyey dabar-gooyana gaalada.”

Intaasi oo idil wuxuu ka daadegeyaa dareenkooda iyadoo isla mar-ahaantaa dhibaatada gaadhay oo dhan ay ugu wacnayd si xaqiiqada iimaanku uga daadegto dareenkooda iyo falalkooda marka dagaalka. Ugu dambayntii, waxay u ahayd deris iyo daahiraad iyo dadkoo la kala soocayey. Intaasi oo idilna waxay khayr u ahayd naftoodii iyo noloshoodii dambe.

Iyadoo la tix-gelinayo dabeecadda dhabta ah ee diintan iyo jidkeeda ay ku hawlgelayso, waxaa lagama maarmaan ah in caddaynada aynu soo sheegnay ku kor-dhinno tusaalooyin dhammays-tir ah. Hirgelinta habkaasi Ilaahiga, waxaa loo daayey xaqiijintiisa dedaalka aadamiga, oo ku eg xuduudda karaanka banii’aadmiga iyo xuduudda waaqaca maadiga ah ee nolosha aadamiga xilliyada kala geddisan ee hor-u-marka iyo bii’adaha duwan, loogamana jeedo taasi ka maaran kama-dambays ah oo dadku ka maarmayo arrintaasi, iyo go’intaan qadarka Ilaahay iyo qorshihiisa, gacan-fidintiisa iyo caawinaadiisa, waafajintiisa iyo sahliddiisa. Haddii arrinka sidaasi loo eegana wuxuu khilaafsan yahay gundhigyada dabeecadda aragtida Islaamka.

Waxaynu hore usoo caddaynay inuu Ilaahay gargaarayo qofkii usoo jihaada hanuunka:

“Kiinoo soo jihaada waxaanu kusoo toosinnaa jidadkannaga.”
Iyo inuu xaaladda dadka bedbedelo, marka ay bedelaan waxa naftooda ku sugan.

“Ilaahay ma bedelo xaaladda dad ku sugan yihiin, ilaa ay iyagu bedelaan waxa naftooda ku sugan.”

Labadaasi odhaahood waxay inoo caddaynayaan cilaaqaadka ka dhexeeya dadaalka aadamiga ee dadku la imanayo iyo gargaarka Ilaahay usoo fidinayo aadamiga, taaso ay ku gaadhayaan jihaadkoodaasi khayr iyo hanuun, wanaag iyo liibaan.

Kama dambaysta meel-marka ahi waa iraadada Ilaahay uun, taasoo aanu la’aanteed aanu qofka banii’aadmiga ahi waxba gaadhi karin, laakiin iraadadaasi waxay gargaaraysaa ka garanaya jidkeed, hawlgalka, kaashanaya gargaarkeeda, u jihaadayna Ilaahay dartii si uu u gaadho raalli-ahaanshihiisa.

Tiiyoo waxaasi oo idili jiraan, haddana qadarka Ilaahay ayaa ku xeeran dadka iyo hawlahaba, isaga uun baana dhammays-tiraya gaba-gabada wixii khayr iyo dhibaalaba lala kulmo. Waana taasi xaqiiqada uu Ilaahay doonay inuu baro bulshada Islaamka ah, isagoo tusaale-ahaan ugu caddaynaya Diririii Uxud sababaha guusha iyo guul-darradaba isagoo isla-mar-ahaantaa diirka ka qaadaya xikmadda Ilaahay ee ka dambaysa imtixaanka guusha iyo guul-darradaba: “Ilaahay wuxuu oofiyey ballankiisii ahaa inuu ogaanshihiisa aad ku imtixaantid ilaa aad fashisheen oo aad isku dagaasheen. Markaasna aad caasideen kadib markii uu idin tusay wixii aad jeceshihiin. Waxaa idinka mid ah mid adduunya uun doonaya, waxaana idinka mid ah mid Aakhiro uun u jeeda. Markaas ayuu idinka jeediyey si uu idin imtixaano.”

Waxaa kale ee uu Ilaahay uga jeeday inuu tuso sunnada dhan ee Ilaahay iyo qadarkiisa kama-dambaysta ah iyo awooddiisa buuxda ee ka dambaysa wixii dhacaya oo idil.

“Haddii dhibaato idin soo gaadho, dadka kaleba dhibaato taasoo kale ah ayaa soo gaadhay, maalinbana reer baanu usoo wareejinnaa si uu Ilaahay u gaadho, kuwa llaahay rumeeyey, idiin kalana soo dhex baxo shuhado Ilaahayna ma jecla kuwa daalimiinta ah, si uu Ilaahay u sifeeyo kuwa rumeeyey, una dabar-gooyo kuwa gaalada ah.”

Sidaas awgeed, gabagabada kama-dambaysta ahi waxay ku dhammaanaysaa qorshaha Ilaahay, doonistiisa iyo qadarkiisa, si ay ugu dhammaato wixii uu rabo uun, kadib sababaha iyo walxaha. Waana arrinta aanu qofna su’aali karin Ilaahay.

Waayo waa haybaddiisa Ilaahiga ah ee aanu qofna su’aali karin. Waana taasi xaqiiqada iimaanka sugani ee aan nafta ka daadagayn ilaa uu ku xasilo, oo uu hoy ka samaysto. Waana taasi tusaalaha dhammays-tirka ah ee lagama-maarmaanka inaynu ku kordhinno dersigan. Qofka Muslimka ah ee ay qalbigiisa ka daadegto dabeecadda diintani ma la kulmayo wax iska hor-imaad ah, wax iska hor-imaad ah oo ku jira Kitaabka Ilaahayna ma jiro.

***

HAB GAAR AH

Waxaa laga yaabaa inuu immika qof yidhaahdo, “Haddii uu Islaamku yahay hab Ilaahi ahi ee nolosha banii’aadmiga oo aan dhulka ka hirgelayn iyo adduunyadaba iyadoo lala yimaado dedaal aadami mooyaane, kaasoo ku eg xuduudda karaanka iyo awoodda aadamiga iyo xuduudda waaqaca maadiga ah ee nolosha banii’aadmiga ee bii’adaha kala geddisan, haddaba maxaa ka duwaya oo uu kaga geddisanaanayaa hababka banii’aadmigu sameeyeen ee naftooda u dhigteen kuna gaadhayaan awoodda ay kolba ku bixiyaan ee ku eg xuduudda karaankooda iyo waaqacooda?”

Maxaanay waajib inoogu tahay inaynu isku dayno hirgelinta habkaasi, haddii uu u baahan yahay dedaal banii’aadmi sida hababka kale oo idil? Oo aanu marnaba ku higelayn mucjiso lala yaabo, ama maquunis Ilaahi ah? Ee uu ku hirgelayo uun nolosha banii’aadmiga dhexdeeda oo ku eg xuduudda fidrada aadamiga, karaankooda caadiga ah iyo arrimahooda waaqiciga ah? Marka ugu horreeya waxaa qasab inagu ah inaynu isku dayno xaqiijinta habkaasi inagoo ka bilaabaynaa inaynu marka hore nafteenna ku hirgelinno sifada Islaamka: Tiirka ugu horeeya ee Islaamkuna waa: inaynu qirno in Ilaahay mooyee aan ilaah kale (xaq lagu caabudo) jirin, Maxammedna uu yahay Rasuulkii Ilaahay. Qiridda “Ilaahay mooyee ilaah kale ma jiro,” micnaheeda saxa ahi waa in Ilaahay oo keliya loo daayo Ilaahnimada. Wax khalqigiisa ahna aan lala wadaajin wax haba yaraadee sifooyinkiisa ka mid ah sifada ugu horreysa ee Ilaahnimadina waa xukunka guud ee ay kasoo unkanto xaqa uu u leeyahay inuu dadka loo dejiyo sharci, iyo xaqa uu u leeyahay inuu dadka u dhigo habka noloshooda, iyo xaqa uu u leeyahay inuu dadka u dejiyo qiimayn ay ku qotonsato noloshani. Qiridda “Laa ilaaha illa Allaah,” ma suuragelayso mana hirgelayso ilaa la aqoonsado inuu Ilaahay oo keliyi u leeyahay xaq inuu dejiyo habka ay nolosha banii’aadmigu ku socoto, hab kalena aanu meesha soo geli karin qof allaale qofkii isku daya inuu u dejiyo hab kale nolosha dad banii’aadmiga ka mid ah, wuxuu u sheegtay ilaahnimo. Waayo wuxuu shegtay sifadii Ilaahnimada ugu weynayd. Qof allaale qofkii u qira habkiisaasina wuxuu ka dhigtay ilaah yar oo aan Ilaahiisa weyn ahayn.

Micnaha saxa ah ee “Maxammedna waa Rasuulkii Ilaahay,” waa in la rumeeyo in habkaasi uu inaga soo gaadhsiiyey Ilaahay, inuu yahay run ahaantii habkii Ilaahay ee nolosha banii’aadmiga. Habkaasi oo keliyina yahay habka inagu qasabka ah inaynu ku hirgelinno nolosheenna iyo nolosha banii’aadmiga oo idil. Waxa haddaba innagu qasab ah inaynu isku dayno hirgelinta habkaasi, si ay nafteenna ugu xaqiiqowdo sifada Islaamka ay aynu sheeganayno. Mana hirgelayso ilaa aynu qiro shahaadada “Laa ilaaha illa Allaah Muxammadun Rasuul Allaah,” Ilaahay mooyee ilaah ma jiro, Maxammedna waa Rasuulkii Ilaahay. Shahaadadaasina ma sugna ilaa Ilaahay oo keliya loo daayo Ilaahnimada, loona daayo in isagoo keliyi xaq u leeyahay inuu dejiyo hab nololeed, layskuna dayo in la hirgelyo habkaasi uu Nebi Muxammed () inooga keenay Ilaahay.

***

Waxaana inagu qasbaya isku-dayidda hirgelinta mabda’aasi sababo la xidhiidha habka naftiisa. Waayo isagoo keliya ayaa caddaynaya sharafta banii’aadmiga, siinayana gobanimada dhabta ah, kana xoraynaya addoonsiga. Isagoo keliya ayaa u xaqiijinaya gobanimo buuxda oo taasi ah, oo ku eg xuduudda aadaminimadiisa iyo addoonimadiisa Ilaahay. Wuxuu ka koraynayaa addoonsiga dadka, si uu Ilaahay oo keliya addoon ugu noqdo. Adduunyada oo idilina ma jiro hab kale oo aan Islaamka ahayn oo arrintaasi keenaya. Waayo Islaamku isagoo u qiraya Ilaaha Weyn oo keliya Ilaahnimo una oggol inuu keligii xaq uu u leeyahay inuu u dejiyo sharci nolosha banii’aadmiga, ayuu dadka u yeelayaa Ilaah keliya iyo Sayid keliya, una diidayaa inay qaarba qaar u noqdaan ilaahyo yar-yar, qaarba qaar xukun u-dejiyaan, qaarba qaar ka dhigtaan sayid iyadoo la addoonsanayo dadka ilaahyadaasi yar-yar siinaya ee u-qiraya sifooyinka ilaahnimada. Su’aalahaasina waa mid u gaar ah habkaasi Ilaahiga ah. Uguma gaar aha hadal ahaan iyo dood ahaan oo keliya. Laakiin wuxuu gaar ugu yahay run ahaan iyo dhab-ahaanba.

Dacwadii Rususha oo idilna waxay ahayd in Ilaahay oo keliya loo daayo Ilaahnimada, loona diido sifooyinka Ilaahay wixii kale ee aan Ilaahay ahayn, ee khalqigiisa ah ee sheeganaya kuna andacoonaya inay xaq u leeyihiin inay u-dejiyaan habab nolosha addoomada Ilaahay, taasi oo ay ku tageerayaan kuwa aan rumaysnayn midnimada Ilaahay!

Ilaahayna wuxuu ka yidhi Yuhuudda iyo Nasaarada:

“Waxay ka dhigteen baadariyadoodii iyo musheekhdoodii rabbiyaal aan Ilaahay ahayn, iyo Nebi Ciise ina Maryama. Waxa keliya ee la farayna waxay ahayd in ay Ilaahay oo keliya caabudaan, Isaga ma ahee ilaah kale ma jiro. Waanu ka nazahan yahay waxay ugu shariik yeelayaan.”

Run-ahaantii kuwaasi may caabudayn baadariyada iyo musheekhdaasi, ee waxay u oggolaayeen oo keliya xuquuqda u-dejinta sharciyada aan ka Ilaahay ahayn, iyo iyagoo u oggolaa inay u-dejiyaan hababka nolosha ee ku saabsan qawaaniinta. Wuxuuna Ilaahay ka yidhi:

“Waxay ka dhigteen baadariyadoodi iyo musheekhdoodii rabbiyaal, waxayna khilaafeen amarkii Ilaahay ee ah in loo daayo midnimo. Sidaasina waxay ku noqdeen mushrikiin.”

Waxay silsiladda Imaam Axmed iyo Tirmidi iyo Ibnu Jariir kasoo weriyeen Cuday ibnu Xaatim – Ilaahay raalli haka noqdee – markii uu soo gaadhay baaqii Rasuulka Ilaahay () ayuu u fakaday Shaam. Muddadii Jaahiliyadiina wuu kiristaanoobay. Waxaa lasoo xidhay walaashi iyo dad kale oo reerkiisa ahaa. Laakiin Rasuulkii Ilaahay wuxuu soo daayey walaashi. Waxay ku noqotay walaalkeed waxayna jeclaysiisay Islaamka, waxayna ku dhiirri-gelisay inuu hor tago Rasuulka. Cuday wuxuu yimid Madiina. Wuxuuna madax u ahaa reer Dayi. Aabbihii Xaatim Ad-Daa’i wuxuu caan ku ahaa gobanimada. Sidaasi awgeed ayey reer Madiina ugu ahaayeen diyaar imaatinkiisa. Markii uu u soo galay Nebigii () isagoo saliib dahab ah ku wata qoortiisa, wuxuuna Rasuulku () akhriyayey aayadda ah:

“Waxay ka dhigteen baadariyadoodii iyo musheekhdoodii rabbiyaal aan Ilaahay ahayn.”

Cuday baa yidhi: “Ma caabudaan.” Rasuulkii () wuxuu ku jawaabay, “Run-ahaantii way caabudaan, waxay u dideen xalaashii, waxayna u xalaaleeyeen xaaraantii, markaasi ayay sidaasi ku raaceen. Waana taasi caabudaadda ay caabudayaan.”

Islaamkuna waa ka keliya ee oggol in cibaadada lagu koobo Ilaahay oo keliya. Una keliyaynaya inuu isaga oo keliyi xaq u leeyahay inuu u-dejiyo hab-nolosha banii’aadmiga, Isagoo keliya ayaa dadka ka xoraynaya addoonsiga wixii aan Ilaahay ahaynba. Sidaas awgeed waxaa inagu waajib ah inaan isku dayno inaan hirgelinno habkaasi oo keliyi, wixii kalena dibedda loo tuuro. Waxaana innagu waajib ah inaan hirgelinno habkaasi, waayo – isagoo ah mid Ilaahay soo dejiyey – waa ka keliya ee ka madhan shahwaadka banii’aadmiga, jilicsanaanta aadmiga iyo damaca dadkuba iyo dano gaar ahaaneed oo lagu helo iyadoo loo dejisto qawaaniin, qawaaniintaasi oo u dan ah qofka sharcigaasi dejiyey, reerkiisa, dabaqaddiisa, shacbigiisa iyo jinsiyaddiisaba. Waayo habkaasi waxaa dejiyey Ilaahay Isagoo ah Rabbigii dadka oo idil. Uma dejin sharcigaasi danihiisa gaar- ahaaneed, ama inuu jeclaysto dabaqad banii’aadmiga kamid ah ama jeclaysto shacbi kamid ah shucuubta adduunka, ama inuu jinsiyad ka doorbido jinsiyadaha kale.

Sharciyanta aadamiga ee uu dejinayo qofka xukunka haystaa, ama reer xukunka haystaa ama dabaqad xukunka haystaa, ama ummadda xukunka haystaa, ama jinsiyad xukunka haystaa, waa mustaxiil inay marnaba ka madhnaato hawo iyadoo la tixgelinayo sida uu dadku u abuuran yahay ama ay ka maqnaato wax u dan ah oo maslaxadii ugu jirto kuwa sharcigaas dejiyey. Laakiin marka uu habka Ilaahay yahay ka xukumaya nolosha aadamiga waxaa la waayayaa sifadaasi, waxaana caddaanaya caddaaladdii runta ahayd, dhammays-tirnayd ee loo sinnaa. Taasoo aanu marnaba hab kale oo hababka banii’aadmiga kamid ahi lahayn, suuro-galna u ahayn inuu sidaasi oo kale u hirgeliyo. Waayo hababkaasi oo idil ma laha wax ka fogeeya hawada aadamiga jilicsanaanta dadka, iyo ka-fogaanshaha danaha gaar-ahaaneed weji kasta ha yeeshaan ee. Marka uu qof maqlo soo-jeedintaasi Rabbaaniga ah ee dheer ee lagu baaqayo hirgelinta caddaaladdaasi buuxda ee dhammaystiran ee aanay marnaba soo dhex galayn hawo, marnaba ayna soo dhex gelayn casabiyad iyo reer soo dhawayn ee ay kamid tahay hadalkii uu Ilaahay u soo jeediyey bulshadii Muslimka ahayd:

“Kuwa Ilaahay rumeeyayow, waxaad noqotaan qaar qumman Ilaahay hortiisa markhaatiina u ah dad u dhaxaynta, caddaaladda idin seejin, caddaalad sameeya iyadaa u dhaw Alle-ka-cabsiga ee. Ilaahayna ka cabsada. Ilaahay waa ku khabiir og waxaad samaynaysaan.” Waxaa laga yaabaa markaasi inay qof ku soo dhacdo oo uu is-yidhaahdo:

“Waa maxay dammaanadda ka dhigaysa bulshada Islaamka ah inay hirgeliso caddaladdaasi uu Ilaahay innoogu baaqayo ee uu ina farayo?”

Dammaanadda dhabta ah ee habkaasi Islaamka ahi waxay ku dhan tahay damiirka qofka Muslimka ah. Waxayna kasoo unkantaa iimaankiisa.

Marka iimaanka laga dhex helo diintani, waxaa laga dhex helayaa dammaanadda ugu xooggan.

Waxayna maqlayaan Ilaahay oo ku leh:

“Ilaahay guusha wuu siin kii u gar-gaara. Ilaahayna isagoo leh awood oo Caziiz ah, Ilaahay guusha ayuu siin kuwa haddii aanu talada dhulka u dhiibno oogaya salaadda, zakadana bixinaya, wanaaggana is-faraya, xumaantana diidaya. Caaqibada kama-dambaysta ahna Ilaahay uun baa iska leh.”

Waxayna ogsoonyihiin in aanu Ilaahay jeclaan doonin haddii ay jidka ka leexdaan. Bulshada Islaamka ah naf-ahaantooda ayaa ah dammaanad dhab ah ee hirgelinta tusaalooyinkaasi, waayo waxay ku taagan tahay caqiidadani, waxayna naf-ahaanteeda qaadaysana wixii uu Ilaahay ku waajibiyey. Waxayna ula muuqataa digniin xumaani kasoo gaadhaysa wax yar oo xilka laga jeedsadaa. Tiiyo dhibaatadaasi ayna gaadhayn oo qudha dulmiga gaystay. Haddaba waxaa innagu waajib ah in aan hirgelinno habkaasi, in aan hirgelinno caddaaladdaasi buuxda ee dhammaystiran ka helo garasho sax ah oo dhammaystiran ee aan ku hirgelayn iyadoo la raaco habkaasi gaarka ah mooyaane.

***

Waxaana innagu waajib ah in aan isku dayno hirgelinta habkaasi. Waayo waa habka keliya ee madax-bannaan go’aannada jahliga banii’aadmiga iyo gaabinta dadka, kana fog jilicsanaanta aadamiga. Waayo waxaa dejiyey kii abuuray banii’aadmigan ee og wixii hagaajinaya iyo wixii u dan ahba. Isagaana og waxyaalaha ku qarsoon koobnaantiisa iyo dhismihiisaba. Iyo waxyaalaha ku qarsoon xaaladaha adduunyadan ee noloshiis aadaminimo ku weheliya. Haddii uu u dejiyo habna waxaa habkaasi loo eegayaa arrimahaasi oo idil. Kuwaasoo aan suurogal u ahayn banii’aadmiga ha ahaadeen keli ama urur-ahaane xilli kasta oo waqtiyada kamid ah, iyo facyada oo idilba inay si dhammaystiran u fahmaan. Arrimahaasi qaar kamid ahi waxay u baahan yihiin waayo-aragnimo lasoo ururiyey oo ku saabsan tijaabooyinkii ay soo martay nolosha banii’aadmiga xilliyadii hore oo dhan, waqtigan aynu ku jirno iyo mustaqbalka aan weli la gaadhin. Taasi waa mustaxiil. Qaarkoodna waxay u baahan yihiin ogaanta dhammaan waxyaalaha ku qarsoon uunka ku xeeran banii’aadmiga. Taasina waa mustaxiil sidoo kale.

Waxaa intaas sii dheer, garaadka aadamiga suuragal uma aha inuu ka helo garasho sax ah oo dhammaystiran xataa oo keliya waayo-aragnimada iyo tijaabooyinkaas. Waayo waxaa ugu awood la’aantaasi dabeecaddiisa kala dhiman, ee aan dhammaystirnayn waxaana jiidanaya hawo iyo jilicsanaan. Sidaas awgeed kuma habboona inuu u dejiyo hab nolosha banii’aadmiga. Wuxuuna Ilaahay leeyahay:

“Haddii uu xaqu raaci lahaa hawooyinkooda waxaa fasahaadi lahaa samooyinka iyo arlada.”

Wuxuu kaloo leeyahay:

“Waxaanu kuu samaynay sharci la raaco, ee raac hana raacin hawada kuwa aan waxba garanayn.”

Dadka oo idili ma garanayaan. Cilmigaasi dhammaystiran, ee looga baahan yahay in lagu dejiyo nolosha aadamiga. Waxa keliya ee ay wataan waa hawo iyo jahli marka ay sanka la soo galaan wax aan waxba uga shan-iyo-toban, oo ayna iyagu lahayn. Astaamaha Ilaahiga ah ee ay ku andacoonayaanna waa dembi weyn iyo shar ballaadhan.

Waxaa innagu waajib ah in aan isku dayno hirgelinta habkaasi waayo waa habka keliya ee ku oogaya nidaamka nolosha aadamiga iyadoo salka ku haysa caddayn buuxda ee jiritaanka iyo kaalinta uu banii’aadmiga kaga jiro jiritaankaas, iyo himiladiisa aadaminimo. Taasi oo ah sida xaqiiqada ah ee dhabta aan ahaynna sida uu inoo sawirayaan jahliga tabaryarida iyo hawada aadamiguba aragti kale oo aan ta Rabbaaniga ahayn. Waana kani gundhigga keliya ee caafimaadka qaba, xogganna ee ku oogaya nidaamka nolosha aadamiga iyadoo haysata xididdada dabeecadda. Hab kasta ee nolosha banii’aadmiga ee aan ku qotomin gundhiggaasi cad ee dhammaystiran ma haysto xididdada dabiicadda.

Waana hab been-been ah suurogalna uma aha inuu sii waaro, waana halka ay ka soo unkamayso hoogga banii’aadmiga ilaa iyo inta oogan-yahayba. Ilaa ay bur-burinayso fidradoodu oo ay ku noqdaan asalkii xooganaa ee caafimaadka qabay. Caddayntaasi jiritaan ee ku jirta habkaasi Ilaahiga ahi, waa ta keliya ee saxa ah, waayo waxaa sameeyey kii jiritaankaba abuuray, dadkana abuuray ee og xaqiiqada jiritaanka iyo ta dadkaba.

Caddayn kasta oo lagu sifeeyo jiritaankan iyo kaalinta uu dadku kaga aadan-yahayba iyo himilada jiritaanka aadaminimo, ee uu sameeyey dadka naftiisu, waa caddayn kala dhiman. Waayo jiritaanka ayaa ka weyn dadka, suurogalna ma aha inuu dadku u sameeyo caddayn buuxda. Xaddidaadda, himilada, jiritaanka aadaminimo waxay u baahan-tahay cilmiga kii dadka abuuray iyo wuxuu uga dan lahaa abuuritaankiisa, sidoo kalena waxay u baahan-tahay in ay ka madhnaato hawada, si loo xaddido himiladaasi. Taasoo aan weligeed ka suuragelayn banii’aadmiga. Haddii dib loogu fiirsado dadaalka falsafadda ee isku dayday micnaynta jiritaanka iyo caddaynta kaalinta uu aadamigu kaga jiro, iyo micnaynta qaayaha jiritaanka aadaminimo, waxaa lala kulmayaa waxyaale lala yaabo oo lagu qoslo marka la arko sakhafadda iyo xumaanteeda. Ilaa uu dadku la yaabo: sidee bay aragtidaasi uga soo baxday faylasuuf. Ilaa uu xasuusto in faylasuufkaasi naftiisu uu yahay banii’aadmiga la siiyey oo keliya caqligi aadmiga taasi ma aha heerka caqliga aadamiga.

Dadkaasi falaasifada ahina waxay dhex gelayn bad aan cidi ka saari karin ilaa uu Ilaahay u qiil bixiyo mooyaane, oo uu meel kale uga dhexsaaro oo aan meeshaas hore ahayn.

Taasoo if ay wax ku arkaan uga baxo waana qaabka nolosha waaqiciga ah. Taasoo ah heerka khaliifnimada dhulka ee waafaqsan habkaas Ilaahiga ah, kuna xidhan fadliga iyo gargaarka Ilaahay, sida laga fahmay caddaymaha dhammaystiran ee jiritaanka, himilada aadaminimo, iyo hadalkiisa cad ee xaqa ah. Waxaana habkiisa ku dheehan caddayntaasi qadarku ku qotommo, aragtida aadamiga ee saxa ah, iyo qadarka uu ku qotomo nidaamka noloshiisu xididdada dabiiciga ah. Waxaa haddaba inagu waajib ah inaan isku dayno hirgelinta habkaasi si nidaamka nolosha aadamigu ugu qotonsato xididdada dabiiciga u ah. Mana jiro hab kale oo laga helayo astaantaasi loo baahan yahay. Ugu dambayn, waxaa innagu waajib ah in aan isku dayno hirgelinta habkaasi. Waayo waa habka keliya ee ku xidhan nidaamka koonka oo dhan. Waana in aanu dadku raacin hab aan ku xidhnayn nidaamkaasi. Waayo waxaa ku qasab ah in uu ku dhex-noolaado uunkan, iskaashina la yeesho nidaamkaasi uunka. Isku xidhnaanshaha ka dhexeeya habka nolosha iyo habka nolosha uunku waa ka keliya ee dadka u kafiilanaya inuu la kaashado xooggaga uunka ee weyn, halka ay iska hirdiyi lahaayeen. Marka uu la herdamana wuu burburi oo uu baabi’i. Umana gudanaayo xilkii ahaa khilaafada dhulka sidii uu Ilaahay rabay. Haddii uu ku xidhnaado nawaamiista uunka oo uu waafaqo, wuxuu heli sirta aqoonteeda, sakhiraadeeda iyo sidii uu noloshiisa ugaga faa’iidayn lahaa. Kuma guban doono dabka uunka ee wax buu ku karsan, diirsan shidanna doonaa. Fedrada aadamiguna asal ahaanteedu waxay ku xidhan tahay naamuuska uunka. Marka uu dadku ka saaro nidaamka noloshiisa naamuuskaasi, lama hirdamayo uunkaasi weyn oo keliya ee wuxuu weliba la hirdamayaa fidradiisa naf ahaanteeda. Wuu dhibaatoon, oo wuu is-cuni, wuu welweli, werwerna wuu dili, wuxuuna u noolaan sida uu maantaba banii’aadmigu ugu nool yahay cadaab iyo hoog, xataa tiiyo ay jiraan guulaha aqoonta oo dhammi iyo nolol sahlidda ilbaxnimada maadiga ahiba. Aadaminimada maanta waxaa haysta dhibaato, werwer, murugo iyo jaahwareer. Si ay uga cararto waaqaca dhabta ah ee nafteeda ayey isticmaashaa afyuun, xashiish iyo waxyaalaha dadka sakhraamiya. Waxayna samaysaa xawli waalan iyo muqaamaraad foolxun, tiiyo la haysto badhaadhaha maadiga ah, wax soo saar buuxa, nolol-sahlid iyo firaaqo badan. Run ahaantii madhnaanshahaasi, werwerkaasi iyo wareerkaasi way sii siyaadi uun, mar allaale marka uu si siyaadaba hor-u-markaasi maadiga ahi, iyo nolol sahliddaasi ilbaxnimada ahi, madhnaanshahaas wuxuu u eryanayaa aadaminimada sida shabax laga baqanayo. Wuu eryanayaa wayna ka cararaysaa. Laakiin sidaasi ayey dhammaan wareerkaasi foosha xun. Ra’yiga ugu horeeya ee ku soo dhacaya qof allaale qofkii booqda dalalka maalqabeenka ah ee leh nolol sahliddu ilbaxa ahi ee ay ugu horeeyaan Maraykanka iyo Iswiidhanka, waa in ay dadkaasi yihiin dad ka cararaya shabaxyo eryanaya. Kana cararaya naftooda hoos-ahaaneed.

Waxaana isla mar ahaantaaba u caddaanaya in maalqabiddaa maadiga ahi, raaxadaasi dareen iyo raaxadaasi jinsiguba ay u hoggaaminayaan inuu dhex muquurto cudurka casabiga ahi iyo kuwa nafsiga ahiba, leexasho jinsi ah, werwer joogto ah, xanuun iyo waalli, dembiyo foolxun oo joogto ah, iyo sharaf aadaminimo oo ka maqan noloshaba.

Aadaminimadu waxay keentay guulo waaweyn marka loo eego cilmi ahaan dhinaca caafimaadka, daaweynta cudurrada jidhka. Waxayna soo saartay daawooyin cusub iyo habab daaweyn iyo baarridba leh. Gaar ahaan soo-saaridda bensaliinta iyo mayosiinta.

Dhinaca soo-saaridda warshadaha waxaa la gaadhay wax u eg mucjiso. Tiiyo weli hor-u-marku sii socodo. Sidoo kale guulo waaweyn ayaa laga gaadhay ogaanshaha hawada sare, dayax-gacmeedyada, hirarka hawada, maraakiibta hawada. Tiiyo weli ay socoto. Laakiin waxaasi oo dhammi maxay u keeneen nolosha aadamiga? Maxayna u keeneen nolosha nafsiga ah? Ma la gaadhay badhaadhe? Ma la helay xasiloonaan? Ma la helay nabadgelyo? Waxaa la helay dhib, hoog, werwer iyo baqo, wax hor-u-mar ah oo laga gaadhay ma jiro samaynta hadafka nolosha aadamiga iyo qaayaha jiritaanka aadamiga.

Marka lays garab dhigo aragtida qofka ilbaxa ah ee qaayaha jiritaanka aadamiga iyo aragtida Islaamka ay qaayahaasi ka leedahay, waxay ilbaxnimada maanta lagu jiraa u muuqanaysaa mid ceebaysan oo shucuurta aadamiga meel ku xidhaysa kana yaraynaysa foojignaantiisa, jeclaysigiisa iyo dadnimadiisaba. Haddii aynu soo qaadano Maraykanka, waxay caabudayaan ilaahayo cusub oo ula muuqda qaayaha jiritaanka aadamiga: ilaaha lacagta, ilaaha dhadhanka, ilaaha sumcadda, ilaaha wax soo-saarka.

Sidaas awgeed ayayna dadku naftoodaba u helayn. Waayo maba hayaan qaayihii jiritaankooda aadaminimo. Sidaasi ayuu xaalkuna ahaa jaahiliyadihii hore ee caabudi jiray ilaahyadaas oo kale. Waayo ma hayaan Ilaahoodii runta ahaa. Tiiyoo ay waxaasi oo dhammi jiraan waxaa innagu waajib ah inaan isku daynno inaan habkaasi Ilaahiga ah ku hirgelinno nolosha banii’aadmiga, si aan aadaminimada ugu soo celinno Ilaahooda keliya, kuna soo celinno qaayaha jiritaanka ku laa’iqa ah banii’aadmiga. Kuna soo celinno naamuuska uuniga ah ee dhammaystiraya uunka oo dhan. Waana taasi xaqiiqada uu inoo soo bandhigayo Qur’aanku. Wuxuuna diidayaa arrinka kuwa doonaya in laysku xukumo wax aan sharciga Ilaahay ahayn, iyo habkiisa nololeed, kuwaasoo ku khilaafsan wax kasta jiritaankan ballaadhan. “Ma waxay doonaan wax aan diinta Ilaahay ahayn? Diintaasoo ay u hoggaansanaadeen waxa ku nool samooyinka iyo arladuba, ha dooneen ama yaanay doonin ee. Isagayna u noqon doonaan.”

Qur’aanka Kariimka iyo Tarjamada Macnihiisa ee Afka Soomaaliga

1. Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

ﭑﭒﭓﭔﭕ

QUR’AANKA KARIIMKA

Iyo Tarjamada Macnihiisa Ee Afka Soomaaliga

Waxaa Ku Sharaf Mutay Amarka Daabacidda Jaamacan Sharafta Badan iyo Tarjamada Macnihiisa Adeegaha Labada Xaram Ee Sharafka Badan Boqor Fahad Ina Cabdulcaziiz Reer Sucuud Boqorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya

ﭡﭢﭣ

(ﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥ)

Waxaa ammaan oo dhan iska leh Allahii barbaariyay caalamka ee yidhi “Qur’aankan wuxuu ku hanuuniyaa tan ugu toosnaasho badan, wuxuuna ugu bishaareeyaa mu‘miniinta wanaagga fala inay leeyihiin abaalmarin weeyn.”

Naxariis iyo nabadgalyo Rasuulkii Alle korkiisa ha ahaato ee gaarsiiyay dadka kitaabka Rabbigii ee yidhi, “Waxaa idiinku kheyr badan kii Qur’aanka barta dadkana bara,” wuxuuna dadka ugu yeedhay inay akhriyaan isagoo yidhi, “Akhriya Qur’aanka maxaa yeelay wuxuu iman maalinta Qiyaame isagoo u shafeecaya dadkiisa.”

Intaa kaddib:

Iyadoo la fulinayo amarrada adeegaha labada Xaram ee sharafta badan ahna faafiyaha kitaabka Alle ee sharafka badan boqor Fahad ina Cabdulcaziiz, Alla ha xifdiyee, ee la xidhiidha daneynta kitaabka Alle ee kariimka ah, meeleyn iyo daabacaadba iyo in loo hawlgalo fududeynta faafintiisa si uu u wada gaaro gacmaha Muslimiinta, iyo in lagu tarjumo laguna fasiro micnihiisa afafka kale, isla markaa iyadoo tusaalooyinkaa yihiin yoolasha ugu sarreeya ee u jeexan wadajirka adeegaha labada Xaram ee sharafta leh boqor Fahad ee daabacaadda jaamaca sharafka badan ee ku yaal Madiina Al-Munawwarah.

Iyadoo ku saleysan iskaashiga ka dhexeeya xogheeynta guud ee wadajirka adeegaha labada Xaram ee sharafta leh boqor Fahad ee daabacaadda jaamaca sharafka leh fadhigiisuna yahay Madiina Al-Munawwarah iyo xogheynta guud ee Raabidada Caalamka Islaamka fadhigeeduna yahay Makka Al-Mukarramah sidii looga soo uruurin lahaa waddammada Muslimka culimada tafsiirka si ay ugu tarjumaan uguna fasiraan macnaha Qur’aanka kariimka afafka kale taasoo ay keeneyso baahida loo qabo in lagu jilciyo tafaasiirtaa iyo macnahaas dhammaan afafka ay ku hadlaan Muslimiinta si aanay ugu koobmin in ay ku cibaadeystaan akhrintiisa kali ah iyagoon fahmayn macnihiisa.

Iyadoo la rumeynayo hadalka Alle ee ah (ﯜﯝﯞ) iyo dareen ah waajibnimada ka qeybqaadashada Islaamnimo waxaan ku faraxsannahay in aan soo gudbinno jaamacan sharafta leh iyo tarjamada macnihiisa ee ah afka Soomaaliga oo uu amray daabiciddiisa adeegaha labada Xaram ee sharafta badan, Alla ha xifdiyee, uuna tarjamay Sheekh Maxamuud Maxamed Cabdi; dibna u eegeen culumada kala ah:

Sheekh Nuuraddiin Cali As-Salafi (guddomiye)
Sheekh Shariif Cabdinuur Xasan (xubin)
Sheekh Cabdurraxmaan Yuusuf Aadam (xubin)
Sheekh Maxamuud Maxamed Cabdi (qoraaga, xubin iyo xogheynta)

 

Waxaa ugu dambeyntii dib u eegay baroofooyinka, aayadaha qaarna faallo yar ka bixiyay Sheekh Cabdurraxmaan Sheekh Cumar Axmed Diinle.

Waxaa oggolaatay tarjamadan Raabidada Caalamka Islaamka, waxaana ammaan oo dhan leh Allihii na waafajiyay dhammeystirka hawshan una gudbinno Muslimiinta ku hadasha afka Soomaaliga ee jooga gudaha Soomaaliya iyo dibaddeedaba annagoo quuddarreynayno in ay ka qaataan nuur iyo hanuun kaas oo xoojiyo iimaankooda, Islaamnimadoodana adkeeya, kuna hagaajiyo xaalkooda adduun iyo aakhiraba. Raabidada goorta ay soo gudbineyso dadaalkan iyadoo la kaashatay Wadajirka Adeegaha labada Xaram ee sharafka leh boqor Fahad ee daabacaadda jaamaca sharafka leh waxay ogeysiineysaa in tarjamooyinka heer kasta oo ay ka gaaraan diqqada aanay gaadhi karin halkuu gaarsiinaya naska Qur’aanka ee aan lala imaan karin isagoo kale. Saa darteed waxay ka rajeyneysaa qof kastoo akhriya tarjamadan in uu ka soo jeediyo wixii talooyin iyo milicsiin ah si looga faa’ideeysto dabcooyinka soo socda hadduu Alle idmo.

Allaa ku toosiya dadka jidka toosan.

 

Hordhac

Mahad Eebbaa iska leh ee ah kan ku soo dejiyey Nabigiisa kitaabka Qur’aanka ah ee toosan, naxariis iyo nabadgalyana ha ahaato Rasuulka Muxamed ah korkiisa iyo ehelkiisii iyo asxaabtiisii iyo inta wanaagga ku raacda tan iyo Qiyaamada.

Intaas kadib:

Waxaan ku mahadin Eebbaheenna Sarreeye ee ii suuro galiyey inaan ka qayb qaato qoridda macnaha Qur’aanka sharafta leh. Sida dhabta ahna camalkani ma fududa, hasayeeshee kaalmaha Eebbe iyo awooddiisa yey arrimuhu ku jilcaan, saas darteed yaan u gudogalay arrintan. Sababaha igu xambaaray inaan qorana waxaa ka mida:

  1. Inuu ii noqdo camalkani kayd Eebbe agtiisa, maalintay naf kasta heli waxay camal fashay oo khayra oo muuqda.
  2. Inaan ka qayb qaato u adeegidda Kitaabka Eebbe ee Qur’aanka kariimka ah, iyo u caddaynta macnihiisa dadka garan luuqada Soomaaliga ah, ee ay ku adagtahay luuqada Carabiga ah illeen waxay u dhawdahay in Eebbe ku anfacee.
  3. Wax badan oo luuqadaha ka mida waxay ka qayb qaateen caalamka Islaamka arrintan si faa‘iidadu u badato, laakiin waxay ka muuqataa baahi iyo banaani xagga luuqada Soomaaliga ah.
  4. Waxaa dhacday in lagu turjumay kutubo badan oon Islaam ahayn luuqada Soomaaliga ah, luguna qaybiyo Muslimiinta, gaar ahaan qoxootiga, markaas waxaa lagama maarmaan noqotay in lagu dhaqaaqo arrintaas, illeen bir waxaa uun jilcisa bire.

Sababahaas iyo kuwo kale yaa igu xambaaray billaabidda camalkan, annagoo ka kaalmo warsan Eebbaha sare ee kara inuu na toosiyo, nana xoojiyo. Waxaa laga yaabaa in dad iswarsado maxaa loogu fasiri macnaha Qur’aan luuqadda Soomaaliga ah oon loo dayn dadku ha barteen luuqada Carabiga ahe, waa fiicantahay, miyeyse isdiidi in Qur’aanka macnihiisana luuqada Soomaaliga ah lagu fasiro, isla markaas dadku barto kana faa‘iidaysto luuqada Carabiga ah, sow ma ahayn culimadii hore ee Soomaalida ahaa kuwii dadka ugu fasiri jiray uguna caddayn jiray macnaha Qur’aan tan iyo hadda si af ah quruumo badan, xalqada masaajidka iyo meelo kalaba, taasoo reebtay raad fiican, sababna u noqotay sugnaanta gomadda Islaamku gobalkan Geeska.

Waxna uma dhexeeyo ku caddaynta Qur’aanka odhaah ama qoraal, inkastoon rumaysanahay waajibnimada barashada luuqada Qur’aanka (Carabiga) sidoo kale ku barashada macnaha Qur’aanka wayn si kasto oo khayra oo wanaagsan, ma waxaa roon in layska fadhiisto oo wax uun la sugo camal la‘aan, mise in dadaal lagu dhiibo u adeegidda Qur’aanka sharafta leh? Haddaan eegno habka kitaabka waxaad ogtahay inaan kitaabka Qur’aanka ah dhammaantiis lagu fasirin hadda ka hor intaan ogahay luuqada Soomaaliga ah, iyadoo luuqadduna ku jirto waqti korid. Arrinta labaad waxaa jira xuruuf qaarkeed aan laga helayn luuqadda Soomaaliga ah sida (ث) waxaana baddelkeeda qaatay xarafka TH iyo xarafka (ز) oon beddelkeeda qaatay xarafka Z sida badan, kuwo kalana waa laga yaabaa.

Waxaana ku qorray naska Qur’aanka luuqadda Carabiga ah iyadooy aayad walba wadato raqamkeedii taasoo ka yeeli ruuxu inuu u akhriyo sida kitaab jaamac ah, waxaana kasoo horjeeda macnihii Qur’aanka oo luuqadda Soomaaliga ah, hasayeeshee raqamku aayadaha dhammaadkooda yuu iman, macnahana billowga.

Kuma dhibin naftayda inaan u turjumo Qur’aanka si xarfi ah, waxaanse isku dayey inaan u caddeeyo macnihiisa si kooban, waana kala duwanyihiin labada arrimood sidaan citiqaadin, illeen tan dambe waa uun fasiraad kaliyee.

Arrinta kale ma doonin lahjad gaara oo Soomaali ah, waxaanse ku dadaalay Soomaaliga guud, haddana laga yaabo in dadka qaarkii wax u muuqdo. Tarjamo kasta waxaan u dambeeysiiyay sharax kooban oo kulmin macnaha aayadaha isku xidhan, mararka qaarkoodna waxaannu soo aroorinaa xadiithka Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ama hadal asxaabi, ama hadal mid ka mida culimadii Islaamka ee la yaqiinay, ama ku baraarujin xukun ama xikmad, ama caddayn sababta suuraddu kusoo degtay, ama aayaddu, waxaas oo dhanna waa si kooban, illeen hadal ma dhammaado inta dadku ka dhammaan. Ujeeddadeennuna waa in la fahmo dhinac ka mida macnaha Qur’aanka cad, mase aha in wax walba la sheego, hadalka badanna wax buu dhibaa markuu xadda ka baxo. Inkastoon isku daynay inaan soo dhawayno macnaha Qur’aanka dadaalna aan ku dhiibnay intaan karro oo u noqonnay kutubo badan muddo shan sano dhexdeeda oon ku shuqloonayn arrintan, lana noolayn Qur’aanka, haddana waxaa dhici kara gaf, waxaanse ka baryeynaa Eebbaha gargaara ee kara ee naxariista ee saamaxaadda badan inuu naga dhaafo wixii naga dhaca oo simbiriirixo ah, naguna arzuqo niyad fiican iyo camal wanaagsan, oo la aqbalo Eebbe waa dhawe ducada ajiibee.

Fadliga Kitaabka Ilaahay ee Qur’aanka ah ee wayn, iyo fadliga isku shuqlintiisa: barasho, ogaansho, xifdid, akhrin, barid, fasiraad, raaciddiisa iyo ku camal falkiisu waa arrin aan ciddii baran ka qarsoonayn. Waxaana wax kaga ishaarray qoraalkannaga lagu magacaabo Culuunta Furqaan.

Ugu dambayn waxaan Ilaaheenna wayn ee naxariista ka baryeynaa dambi dhaaf anaga iyo waalidiintanno, Muslimiinta oo dhan iyo cid kasta oo gacan khayr ka gaysata Kitaabka iyo cid kasta oo ka faa’iidaysata kitaabkan oo mu‘miniinta ka mida, Eebbe isagaa gargaare fiican ehe.

Waxay dhammaatay qoriddii kitaabkan 7dii Dul Qicdah 1405 Hijriyada.

Muqdisho, 12kii Safar 1405 Hijri

Maxamuud Maxamed Cabdi

 

 

Jaamaca Magaaladii Nabiga

Qur’aanka Kariimka iyo Tarjamada Macnihiisa ee Afka Soomaaliga

Wadajirka Adeegaha Labada Xaram ee Sharafka Badan Boqor Fahad ee Daabacaadda Jaamaca Sharafta Badan

***

ﮌﮍ

ﭑﭒﭓﭔﭕ
ﭖﭗﭘﭙﭚ
ﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡ
ﭢﭣﭤﭥﭦﭧ
ﭨﭩﭪﭫﭬﭭ
ﭮﭯﭰﭱ
ﭲﭳﭴ

Suurat Al-Faatixah

  1. Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.
  2. Mahad Eebbaa iska leh ee barbaariyaha caalamka ah [koonka].
  3. Ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.
  4. Ee hanta maalinta abaalmarinta [Qiyaamada].
  5. Adiga un baan ku caabudaynaa, adiga un baana kaa kaalmo waydiisanaynaa [Eebbow].
  6. Ee nagu hanuuni jidka toosan [xaqa].
  7. Jidka kuwii aad unicmaysay eedan u cadhoonin dhuminna.

 

Suuradani waa suurad wayn, Kitaabka Ilaahayna ka billowdo, wax walbana in lagu billaabo ay fiican tahay, salaaddana in lagu akhriyo ay waajib tahay, kulmisatayna ammaanta Eebbe, mahaddiisa, Qiyaamada, cibaadada Eebbe iyo kaalmo-waydiisigiisa iyo inuu ku toosiyo jidka toosan ee xaqa ah, jidkaasoo ah kay qaadeen dadkii fiicfiicnaa ee Eebbe unicmeeyey oo ahaa nabiyadii, rumeeyayaashii, shuhadadii iyo kuwii suubbanaaba ee ka leexday waddada kuwii loo cadhooday ee Yuhuudda ahaa iyo kuwii dhumay ee Nasaarada ahaa. Waxaana lagu magacaabaa suuradan magacyo badan oy ka mid tahay Hooyada Qur’aanka, Nabiguna (naxariis iyo nabadgelyo Eebbe korkiisa ha yeelee), wuxuu yidhi, “Amar kastoon lagu bilaabin bisinka waa naaqus.” Sidoo kale wuxuu yidhi, “Salaaddu uma jirto ruux aan akhriyin Faataxada.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim.

Fadligeedana halkan kuma soo koobi karno, waxaase fiican in la fahmo waxay kulmisatay laguna dhaqmo, Eebbana dhab loo caabudo dhabna looga kaalmo waydiisto, had iyo jeerna la digtoonaado, hanuun iyo toosnaanna Eebbe la warsado iyo inuu kaa duwo jidka xun ey qaadeen xaqdiidayaashu iyo gaalada dhammaanteed. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Dhugbadane waa ruuxa naftiisa xisaabiya una camal fala geeri dabadeed.” Waxaa wariyey Imaam Axmed iyo kuwo kale. Al-Faatixah (1-7).

***

 


ﮌﮎ

ﭫﭬﭭﭮ
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚ
ﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡ
ﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩ
ﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲ
ﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹ
ﭺﭻﭼ

 

Suurat Al-Baqarah

Magaca Eebe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Alif. Laam. Miim. [Aad baa macnaheeda looga hadlay, waxaana la sheegay inay magaca suuradda tahay, ama ay ku tusin mucjisadda Qur’aanka, Eebbe un baa ogna waa la dhahaa.]
  2. Kitaabkaas [Quraanka] shaki kuma jiro hanuun baana ugu sugan kuwa dhawrsada.
  3. Ee ah kuwa rumeeya waxaan la arkayn [ee xaq ah] oogana salaadda, waxaan ku arzaaqnayna wax ka bixiya.
  4. Ee ah kuwa rumeeya waxa lagugu dajiyey [Nabiyow], iyo wixii la dajiyey horay, aakhirana yaqiinin.
  5. Kuwaasi hanuun Eebbe yey ku sugan yihiin, kuwaasina waa uun kuwa liibaanay.

Suuraddan waa suuradda u dheer Qur’aanka, waxayna kulmisatay waxyaalo badan oo ah: xukumo, qisooyin, iyo wanaagyo badan, waxayna ku billaabatay xaqnimada Qur’aanka iyo siduu hanuun ugu yahay kuwa xumaanta ka dhawrsada, ee rumeeya xaq ayna arkayn sida Eebbeheen, malaa‘igta, Qiyaamada, Jannada iyo Naarta iyo wax kastoo xaq ah, Eebbena ka yaaba hadday cid la joogaan iyo haddii kaleba, salaaddana ooga, zakada iyo sadaqadana bixiya, Qur’aanka iyo Kutubtii horana rumeeya, kuwaasina waa kuwa hanuunay ee liibaanay. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Haka yeelina guryihiinna qubuuro, illeen gurigii lagu akhriyo suuradda Baqarah ma galo shaydaane.” Waxaa wariyey Imaam Muslim iyo Axmed iyo kuwo kale. Xasan Basri wuxuu yidhi, “Dhawrsade waa kan iska ilaaliya waxa laga reebay, gutana waxa lagu faralyeelay.” Al-Baqarah (1-5)

  1. Kuwii gaaloobay waxaa isugu mid ah udigtayaa iyo umaadan diginaa, mana rumeeyaan [xaqa].
  2. Eebbaa daabacay quluubtooda iyo maqalkooda. araggoodana wuxuu yeeley dabool, waxaana u sugnaaday cadaab weyn.
  3. Dadka waxaa ka mid ah kuwo dhihi “Waxaan rumeynay Eebbe iyo maalintii dambaysay [Qiyaamada],” haddana aan mu’miniin ahayn.
  4. Waxay khiyaameyn Eebbe iyo kuwa [xaqa] rumeeyey mase khiyaamaynayaan waxaan naftooda ahayn, mase kasayaan.
  5. Quluubtay ka bukaan markaasaa Eebbe u siyaadiyay cudurro, waxayna mudan cadaab daran beentoodii darteed.
  6. Marka lagu dhoho ha fasaadinina dhulka waxay dhahaan, “Annagu waxaan uun nahay hagaajiyayaal.”
  7. Iyaga un baa fasaadiyayaal ah hasa yeeshee ma kasayaan.

 

Suuraddu waxay xagga hore kaga hadashay mu‘miniinta iyo xaqay ku sugan yihiin, haddana waxay ka hadashay gaalada iyo sida loo daboolay qalbigooda, maqalkooda iyo indhahoodaba iyo in xumaan u sugnaatay. Mar saddexaadna waxay ka hadashay munaafiqiinta iyo warkooda beenta ah iyo siday isugu dayayeen inay Eebbe iyo mu‘miniinta khayaameeyaan, iyadoy dhabtu tahay inay naftooda khiyaamayn, qalbigana ka bukaan una sii kordhi, marka xumaanta laga reebana ey sheegtaan inay wax wanaajin, dhab ahaanna iyaga un baa xumaan wadayaal ah mase oga. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaa lay faray inaan la dagaalamo dadka intay ka dhahaan Eebbe mooyee ilaah kale [xaq lagu caabudo] ma jiro, hadday dhahaanna way iga ilaaliyeen dhiiggooda iyo xoolahoodaba waxaan xaqeeda ahayn, Xisaabtooduna Eebbaa leh (waynaaye).” Waxaa wariyay labadii Sheekh (Bukhaari iyo Muslim). Al-Baqarah (6-12)

 

  1. Marka lagu dhaho rumeeya sida dadku u rumeeyey waxay dhihi, “Ma waxaannu u rumayn sida sufahada [caqli gaabka]?” Waxaase sufaha ah iyaga uun laakiin ma oga.
  2. Markay la kulmaan kuwa rumeeyey [xaqa] waxay dhihi waan rumaynay, markay la kaliyoobaan shaydaamadoodana waxay dhahaan, “Annagu waan idin la jirraa, ee waxaan ahayn uun kuwa ku jeesjeesa (mu‘miniinta).”
  3. Eebbaa ka abaal marin jeesjeeska, wuxuuna u siyaadin kibirkooda iyo baadidooda, iyagoo ku dhex wareeri.
  4. Kuwaase waxay ku gateen baadida hanuunka, mana ribxin [faa’idin] ganacsigoodu mana hanuunsana.
  5. Waxay la mid yihiin mid huriyey dab, markuu iftiimiyay gaararkoodana yaa Eebbe la tagay nuurkoodii ugagana tagay mugdi ayan wax arkayn.

 

Xumaanlow iyo munaafiq marka la waaniyo oo wanaagga la faro wuxuu ku jawaabaa xumaan iyo madax adayg isagoo dhihi ma waxaan wax u rumayn siday mu‘miniinta caqliga yar wax u rumeeyeen, dhabtuse waa in isagu caqli-gaab yahay, shayaadiinta ay wax isku qastaanna wax u tarayn ee xumaan uun u siyaadi, waana kuwo wanaagga nacay oo baadi doortay, kuna khasaaray ganacsigii, nuurkii iyo Iftiinkiina ka fogaada oo mugdi iyo qas ku dhex dabaalan. Ibnu Cabbaas iyo Mujaahid waxay sheegeen in shaydaamadoodu yihiin gaalada hoggaamisa ee Yuhuud iyo mushrikiin ah. Al-Baqarah (13-17)

 

  1. Waa dhaga la‘aan, hadal-la‘aan, arag-la’aan, xaqana uma soo noqdaan.
  2. Wuxuu la mid yahay xaalkoodu sidii roob samada kasoo degay oo mugdiyo onkod iyo hillaac leh, oy yeelayaan farahooda dhagahooda hanqadhka [danabka] xaggiisa geeri ka digtooni darteed, Eebbana waa koobay gaalo.
  3. Wuxuu u dhaw yahay hillaacu [xaqu] inuu dafo araggooda, markastoos u Ifo way ku socdaan, markuu ku mugdiyoobana way istaagaan, hadduu Eebbe doonana wuxuu la tagaa maqalkooda iyo araggooda Eebbana wax walba waa karaa [oos doono].
  4. Dadow caabuda Eebbihiinna idin abuuray idinka iyo kuwii idinka horreeyey, waxaadna mudataan inaad dhowrsataan
  5. Eebbaha dhulka idiin ka yeelay gogol, samadana dhismo, idiinkana soo dajiyey samada biyo, kuna soo bixiyey midho si laydiinku arzuqo ee ha yeelina Eebbe kuwa la mid ah idiinkoo og.

 

Eebbe wuxuu sheegay in gaaladu xaqa ka maqal, arag iyo afla‘dahay oy lamid yihiin cid roob hanqadh iyo hillaac badan ku da‘ayo waqti mugdi ah oo cabsi iyo argaggax ku sugan, taasina waxay tusaale u tahay siday u wareersan tahay gaaladu oy xaqa uga sii jeeddo, waxaase ku habboon dadka inay caabudaan Eebbaha u nicmeeyey, wax walbana abuuray. imaamyadii waawaynaa sida Shaafici, Abuu Xaniifa iyo Axmed binu Xambal si cad bay uga hadleen aayaddan iyo siday kuu tusin jiridda Eebbe iyo awooddiisa marar la weeydiiyay xaalkaas. Al-Baqarah (18-22)

 

  1. Haddaad shakisantihiin waxaan ku dejinay addoonkanaga [Nabiga], keena suurad la mid ah, una yeedha markhaatiyadiin [kaalmeeyayaashiinna] ee Eebbe ka soo hadhay haddaad runlow tihiin.
  2. Haddaydaan falin mana falaysaane ka dhawrsada Naar lagu shido dadka iyo dhagaxa, loona darbay gaalada.
  3. Ugu bishaaree kuwa rumeeyey [xaqa] camal fiicanna falay inay mudan Janooyin ay socoto dhexdeeda wabiyaalkii, markastoo laga arzaaqo xaggeeda midho waxay dhahaan kani waa kii horay naloogu arzuqay, waxaa la siiyey isagoo isu eg [aragga] waxayna dhexdeeda ku leeyihiin haween [Janno] oo nadiif ah, dhexdeedana way ku waari.

 

Kitaabka Qur’aanka ah waa kitaab wayn oo wanaaggu ku dhan yahay, xukun, amar, reebid, akhlaaq, qisas, tusaale iyo wax kastoo loo baahan yahay. Saas darteed yaa Eebbe ku cajis-galiyey gaalada inay la yimaadaan wax la mid ah Qur’aanka, cidday rabaanna la kaashadeen, mar haddayse ka noogeen oyna waligoodna keeni Karin, haka dhawrsadeen naftooda Naar daran, oo gaal loo darbay. Mu‘miniinta xaqa rumeeyey ee wanaagga fashayna waxay mudan Jannooyin wanaag ku dhan yahay oo wanaaggeeda iyo midhaheedu isu egyihiin xagga aragga. Ibnu Mascuud waxaa laga wariyey inuu yidhi, “Haddaad maqashaan Eebbe oo ku leh Qur’aanka kuwa xaqa rumeeyow aad u dhagaysta waa khayr uu fari ama shar uu reebi.” Al-Baqarah (23-25)

 

  1. Eebbe kama xishoodo [reebtoonaado] inuu tusaale u yeelo kaneeco iyo wax ka sarreeyaba, kuwa [xaqa] rumeeyeyse waxay ogyihiin inuu xaq yahay [Qur’aanku] kana yimid xagga Eebbahood, kuwa gaaloobayse waxay dhihi, “Muxuu Eebbe ula jeedaa tusaalahan?” Wuxuu ku dhumin Eebbe in badan wuxuuna ku hanuunin in badan, waxaan faasiqiiin ahayna kuma dhumiyo.
  2. Ee ah kuwa buriya ballanka Eebbe intay adkeeyeen ka dib, oo gooya wuxuu faray Eebbe in la xidhiidhiyo oo fasaadiya dhulka, kuwaasu waa kuwa khasaaray.
  3. Seed uga gaaloobaysaan Eebbe idinkoo ahaa waxaan noolayn, markaas Eebbe idin nooleeyey haddana idin dili haddana idin soo noolayn ka dibna xaggiisa laydiin celin.

 

Markay gaaladii dheheen, “Maxaa looga jeedaa caarada iyo daqsiga lagu sheegay Qur’aanka?” yaa Eebbe soo dajiyey aayaddan, Eebbana xaqa caddayntiisa waxba uma daayo, mu‘minkase wax walboo xaq ah wuu rumeeyaa, waxaase ku dhumi faasiqiinta ballankana buriya, gooyana wixii Eebbe faray in la xidhiidhiyo dhulkana fasaadin, waana kuwa khasaaray, mana habboona in laga gaaloobo Eebbaha wax dila waxna nooleeya xaggiisana loo noqon. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Wixii khasaara ah oo Eebbe ku sheego waxaan Islaamka ahayn waa gaalnimo, wixii khasaara ah oos ku sheego dadka Islaamkana waa dambi.” Al-Baqarah (26-28)

 

  1. Eebbe waa kan idiin abuuray waxa dhulka ku sugan dhammaan, markaas samada ahaysiiyey kana dhigay toddobo samo, Eebbe wax walbana waa ogyahay.
  2. Xus markuu ku yiri Eebbahaa malaa’igta, “Waxaan yeeli dhulka cid u hadha,” oyna dheheen, “Ma waxaad yeeli dhexdeeda cid fasaadisa oo ku daadisa dhiig annagoo ku nasahayna mahaddaada darteed oo ku wayneynayna?” Markaasuu yiri, “Anigu waxaan ogahay waxaydaan ogayn.”
  3. Eebbe wuxuu baray Nabi Aadam magacyada dhammaan, markaasuu u bandhigay Eebbe malaa’igta kuna yidhi, “Iiga warrama magacyada kuwaas haddaad runlow tihiin.”
  4. Waxayna dheheen, “Nasahnidaada Eebow, cilmi ma lihin waxaad na barto mooyee, waxaad tahay adigu wax oge falsan.”
  5. Wuxuuna yidhi Eebbe, “Aadamow uga warran magacyadooda,” markuu magacyadooda uga warramay yuu yidhi Eebe, “Miyaanan idiin ku dhihin anigu waxaan ogahay waxa ku maqan samooyinka iyo dhulka, iyo inaan ogahay waxaad muujinaysaan iyo waxaad qarsanaysaan?”

 

Dhulka waxa ku sugan Eebbe wuxuu u abuuray dadka, waana inay ku mahdiyaan si fiicanna ugu dul noolaadaan dhulka, Eebbe waa kan imtixaamay malaa‘igta una sheegay inuu dhulka yeeli cid dagta oo khaliif ka noqota, markay la yaabeen oo sheegeen inay ka yaabi inay dhulka fasahaadiyaan yaa Eebbe Nabi Aadam abuuray oo faray inuu sheego wax malaa‘igtu garan weyday oo magacyo ah, taasna waxay ku tusin in Eebbe uun wax walba ogyahay wax qarsoon, wax muuqda iyo wax la muujiyaba. Al-Baqarah (29-33)

 

  1. Xus markaan ku nidhi malaa’igta “U sujuuda Aadam,” markaasay sujuudeen Ibliis mooye, wuu diiday wuuna iskibriyay, wuxuuna ka mid noqday gaalada.
  2. Waxaana nidhi, “Aadamow dag adiga iyo haweenaydaadu jannada, kana cuna xageeda [cunno] shifo oo waasac ah meeshaad doontaan, hana u dhawaanina geedkan oo markaas aad ka mid noqotaan daalimiinta.”
  3. Waxaana ka fogeeyey xaggooda jannada shaydaan, wuxuuna ka bixiyey waxay ku sugnaayeen, waxaana ku nidhi “Ka hoobta Jannada, qaarkiinna qaarka kale col uu u yahay, waxaana dhulka idiinku sugnaaday meel aad ku nagaataan iyo raaxo tan iyo waqti.”
  4. Waxuuna kala kulmay Aadam xagga Eebbe kalimooyin, wuuna ka tawbad aqbalay, Eebbana waa tawbad-aqbal badane, waana naxariiste.

 

Aayadahan waxay ka warrami sida Eebbe u sharrifay Nabi Aadam iyo carruurtiisa, malaa‘igtana u faray inay u sujuudaan, hase yeeshee Ibliis baa diiday, isna kibriyey, gaaloobayna, Nabi Aadamna wuxuu ku noolaa Jannada isaga iyo haweenaydiisii intuu Ibliis ka waswaasiyo geediina cunaan, markaas Eebbe ka saaray Jannada, isagooy ku noolaan dhulka iyagoo col isu ah. Eebbe waa ka tawbad aqbalay Aadam markuu u tawbad keenay. Taasina waxay muujin xumaanta Ibliis iyo inay waajib tahay in xumaanloo dhan laga digtoonaado, lagana fogaado isaga iyo xumaantiisa. Al-Baqarah (34-37)

 

  1. Waxaan ku nidhi “Ka hoobta xaggeeda dhammaantiin, hadduu idiinka yimaaddo xaggayga hanuun ruuxii raaca hanuunka cabsi korkiisa ma ahaato iyo murug midna.”
  2. “Kuwa gaaloobayse oo beeniyey aayaadkannaga, kuwaasu waa ehlu-Naar, dhexdeedana way ku waari.”
  3. Banii Israa’iilow xusa nicmadayda aan idiinku nicmeeyey, oofiyana ballankaygii aan oofiyo ballankiina, aniga uun iga cabsada.
  4. Rumeeyana waxaan dejiyey isagoo rumayn waxaad haysataan, hana noqonina mid ka gaaloobay Qur’aanka kii ugu horreeyay, hana ku gadanina aayaadkayga qiimo yar [adduunka], aniga uun iga dhawrsada.
  5. Hana ku khaldina xaqa baadilka, ood qarisaan xaqa idinkoo og.
  6. Ooga salaadda, bixiyana zakada, lana rukuuca kuwa rukuuca [tukada].

 

Aayadahan waxay sheegi in dadka markuu u yimaaddo hanuun iyo nabiyo ruuxii raaca uusan cabsi iyo murug midna arkayn, ciddii ka gaalowdana oo beenisa aayaadka Eebbe uu ku waari Naarta. Aayadaha kalena waxay ka qisoon reer Banii Israa‘iil iyo siduu ballan adag uga qaaday una nicmeeyey ayna waajib tahay inay ka cabsadaan, iyo inay rumeeyaan xaqa Eebbe soo dajiyey, ayna noqonin Qur’aanka kuwa ugu horreeya ee ka gaaloobo, xaqana ayna ku gadanin wax yar, xaqa iyo baadilkana ayan isku khaldin, xaqoyna qarinin iyagoo og, salaadda iyo sakadana gutaan lana tukadaan mu’miniinta tukan. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Ruuxii cilmi in dar Eebbe loo barto ahayd u barta uun adduunyo ku helo ma uriyo udugga Jannada.” Waxaa wariyey Abu Daawuud. Al-Baqarah (38-43)

 

  1. Ma waxaad faraysaan dadka wanaagga ood halmaansantihiin naftiinna idinkoo akhrin Kitaabka, miyeydaan wax kasayn?
  2. Kaalmaysta samirka iyo salaadda, wayna ku wayn tahay salaaddu [ku culustahay] kuwa khushuuca mooyee.
  3. Kuwa citiqaadsan inay la kulmi Eebbahood xaggiisana loo celin.
  4. Banii Israa‘iilow xusa nicmadeydii aan idiinku nicmeeyey, iyo inaan idinka fadilay caalamkii [markaas].
  5. Kana dhawrsada maalin [Qiyaamada] aan naf abaalmarinayn naf [kale], aan lagana aqbalayn shafeeco lagana qaadayn [oggolayn] furasho loona gargaarayn.
  6. Xusa markaan idinka korinnay Fircoon iyo colkiisii ee idin dhadhansiin jiray cadaab daran, ayna gawrici jireen wiilashiinna ayna dayn jireen gabdhihiinna, taasina waxaa ku sugan imtixaan wayn oo Eebbihiin.
  7. Xusa markaan idiin dhanballay badda oon idin korinnay oona maanshaynay Fircoon iyo colkiisii idinkoo eegaya.

 

Aayadda hore wuxuu Eebbe ku caddeeyay ehlu-Kitaabka, taasoo uu u sheegay inayan habboonayn inay dadka wanaagga faraan naftoodana halmaansanyihiin iyagoo Kitaabka Tawreed akhrin, ruux wax kasina uma habboona, markaasuu Eebbe faray addoomadiisa inay kaabnaystaan samir iyo salaad, umana fududa salaaddu mu’miniinta mooyee, hadda rumaysan inay Eebbe la kulmi una noqon. Waana in laga dhawrsadaa dhibka maalinta Qiyaame ee cidna cid kale wax u tarayn, wax furasha ahna aan laga aqbalayn, markaasaa Eebbe u sheegay Banii Israa‘iil wuxuu ugu nicmeeyey iyo siduu uga nabadgaliyey Fircoon iyo colkiisii. Dabaraani wuxuu yidhi, “Caalimka dadka khayrka fara oonse ku camal falayn wuxuu la mid yahay siraad isgubi.” Al-Baqarah (44-50)

 

  1. Xusa markaan u yaboohnay [Nabi] Muuse afartan habeen, markaas aad yeelateen dibi [aad caabudeen] gadaashiis idinkoo daalimiin ah.
  2. Markaas aan idin saamaxnay arrintaas kadib si aad u mahdisaan.
  3. Xusa markaan siinnay [Nabi] Muuse Kitaab iyo kala-bixiye [xaqa iyo baadilka] si aad u hanuuntaan.
  4. Xusa markuu [Nabi] Muuse ku yidhi qawmkiisa, “Qawmkayow! Waxaad dulmideen naftiina yeelashadiinnii dibiga [caabudo] ee u tawbadkeena Eebbihiinna dilana naftiina, saasaa idinku khayr badan Eebbihiin agtiis. Markaasuu idinka tawbad aqbalay, maxaa yeelay Eebbe waa tawbad-aqbal badane naxariista.”
  5. Xusa markaad dhahdeen, “Muusow kuma rumaynayno intaan ka aragno Eebbe si caddaan ah.” Markaasay idin qabatay qaylo iyo naar idinkoo eegi.
  6. Markaasaan idin soo bixinnay geeridiinnii kadib si aad u mahadisaan.

 

Wuxuu Eebbe ku sheegay halkan nimcooyin badan oo uu ku mannaystay, sida yaboohii Tawreed iyo siismadii, saamaxaaddii, tawbaad-aqbalid, hase yeeshee waxay caabudeen dibi, naftoodiina way dulmiyeen, waxayna sheegeen inayan xaqa rumeyneyn intay uga arkaan Eebbe si caddaan ah, hase yeeshee waxaa lagu riday qaylo waana lasoo bixiyey intey dhinteen, taasina waxay ku tusin madax adeyga Banii Israa’iil iyo abaal-ka-darkooda. Qusheyri wuxuu yiri, “Ruuxii ku samra qadar Eebbe wuxuu Eebbe ugu cawadaa saaxiibbo wanaagsan.” Al-Baqarah (51-56)

 

  1. Waxaan idinku hadhaynay daruur, waxaan idinku soo dajinnay macaan iyo hilib [shimbireed], waxaana idinku nidhi wax ka cuna wanaaggaan idiinku arzaaqnay, mana ayan na dulmin, laakiin waxay ahaayeen naftooda uun kuwa dulmiya.
  2. Xusa markaan nidhi gala magaaladan oo ka cuna xaggeeda meeshaad doontaan barwaaqa ah, kana gala irridda idinkoo sujuudsan dhahana [Eebow] hoobi [danbi] aan idiin dhaafno gafafkiinnee. Waxaan u siyaadinayna samafalayaasha [wanaag].
  3. Markaasay ku badaleen kuwii dulmi falay hadalkii loo yidhi mid aan ahayn, markaasaan kaga soo dajinnay kuwii dulmiga falay cadaab samada faasiqnimadoodii ay falayeen darteed.
  4. Xusa markuu [Nabi] Muuse u roobdoonay qawmkiisa, markaasaan ku nidhi ku garaac ushaada dhagaxa, waxaana ka dillaacay xaggeeda labo iyo toban ilood, wuuna ogaaday ruux kasto [koox kasta] meeshay ka cabbi lahayd, waxaan ku nidhi ka cuna oo ka cabba rizqiga Eebbe, dhulkana fasaad ha ku xumeynina.

 

Sidoo kale wuxuu Eebbe ku mannaystay Banii Israa‘iil nicmooyin kale sida hadhayn, macaan, hilib xalaal ah iyo rizqiga Eebbe ee kale, wayse dulmi-faleen ooy diideen wixii la faray, kuna badaleen wanaaggii xumaan, markaasaa Eebbe ciqaabay xumaantooda darted, [Nabi] Muusana waa kii u roobdoonay Eebbana u dillaaciyey ilo labiyo toban ah si ay uga cabbaan, wuxuuna faray inayan fasaadinin dhulka, wuxuuna Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) sheegay in loo yidhi Banii Isra‘iil “Ka gala albaabka oo dhaha dambi hoobin waxayse galeen iyagoo gurguuran oo dhihi, Xabbad ku jirta tin.” Bukhaari yaa ka wariyey Abuu Hurayra. Al-Baqarah (57-60)

 

  1. Xusa markaad dhahdeen, “Muusow kuma samrayno cunno kaliya ee noo bari Eebbaha hanoo soo bixiyo waxa dhulku soo dhaliyo, oo ah bagal, xinidh, toon, cadas iyo basal.” Wuxuuna ku yidhi, “Ma waxaad ku bedalanaysaan wax xun kii khayrka badnaa, u daga [hoobta] Masar waxaad helaysaan waxaad warsateen,” waxaana lagu qadaray dulli iyo miskiinnimo, waxayna la noqdeen cadho Eebbe, arrintaasna waxaa ugu wacan inay yihiin kuwo ka gaalooba aayaadka Eebbe, dilayeenna nabiyada xaq-la’aan, taasina waa caasinnimadooda darteed iyo xadgudubkoodii.
  2. Kuwii rumeeyey iyo kuwii Yuhuudda ah iyo Nasaarada iyo Saabi’iinta ciddii rumeysa Eebbe iyo maalintii dambe oo camal suubanna falay waxay ku leeyihiin Eebbe agtiisa ajir, cabsina korkooda ma noqoto mana tiiraanyoodaan.

 

Waxaa ka mid ah madax-adayga iyo xumaan-jacaylka Banii Israa‘iil inay Nabi Muuse u sheegeen inayan ku samrayn cunno kaliya ee la siiyo toon, basal, bagal, iyo wax la mid ah, markaasaa Eebbe ku canaantay arrintaas, farayna inay Masar aadaan waxay codsadeenna la siiyo dulli iyo miskiinnimana waa lagu qaddaray, cadho Eebbena way la noqdeen, gaalnimadooda, dilidda nabiyada xaq darro, caasinnimadaa iyo xadgudubkooda, dartiis. Ruuxiise xaqa rumeeya oo Eebbe, Rasuulkiisa iyo malaa‘igta, Qiyaame, camal fiicanna fala, ama Muslim ha ahaado ama Yuhuud islaamtay, ama Nasaara islaamtay, ama Saabi’iin islaamtay ee ajrina way heli cabsi iyo murug midna ma arkaan, mar hadday xaqa si dhab ah u raaceen. Waxaana la sheegay inay aayaddu kusoo degtay markuu Salmaan Al-Faarisi wax warsaday Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee). Al-Baqarah (61-62)

 

  1. Xusa markaan idinka qaadnay ballan [adag] oo korkiina yeelay [Buurta] Duur oon idinku nidhi, “Ku qaata waxaan idin siinnay niyad adag, xusuustana waxa ku sugan, si aad u dhawrsataan.”
  2. Markaasaad jeedsateen intaas ka dib, hadduusan jirin fadliga Eebbe ee korkiina iyo naxariistiisa waxaad ahaan lahaydeen kuwa khasaaray.
  3. Dhab ahaan baad u ogtihiin kuwii xadgudbay Sabtida, oo idinka mid ah, markaasaan ku nidhi, “Noqda daanyeer la fageeyo [oo dullaysan].”
  4. Waxaana ka yeelay ciqaabtaas waanada waxa ka horreeya iyo wax ka danbeeyaba, iyo waano kuwa dhawrsada.
  5. Xusa markuu ku yidhi [Nabi] Muuse qawmkiisa, “Eebbe wuxuu idin fari inaad gawracdaan sac.” Waxayna dheheen, “Miyaad nagu jeesjeesi?” Wuxuuna yidhi, “Waxaan ka magangali Eebbe inaan ka mid noqdo jaahiliinta.”

 

Eebe wuxuu ka qaaday Banii Israa‘iil ballan adag, wuxuu korkooda yeelay Buurta Duur, uuna faray inay ku gudoomaan Kitaabka Eebbe siiyey niyad adag oyna ku waantoobaan waxa ku sugan, wayse jeedsadeen intaas ka dib, waxayna noqdeen kuwa khasaara haddaan Eebbe naxariisan, maalinta Sabtida ah oo la faray inay qadariyaanna way xadgudbeen, markaasaa Eebbe ku yidhi noqda daanyeer dullaysan, si loogu waano qaato, looguna dhawrsado. Mar kalaa Eebbe Imtixaanay markuu Nabi Muuse faray inay gawracaaan sac, taasoo Eebbe amray waxayse dhaheen sidoodii xumayd “Waad nagu ciyaari,” Nabi Muuse wuxuu yidhi, “Waxaan ka magangalay Eebbe inaan ka mid noqdo jaahiliinta dadka ku dheeldheesha,” xaalkuna wuxuu ku saabsanaa si loo soo saaro nin oy iska dileen oon lana ogayn ciddii dishay. Al-Baqarah (63-67)

 

  1. Waxayna dhaheen “Noo bari Eebbahaa hanoo caddeeyo waxay tahaye,” wuxuuna yidhi “Eebbe wuxuu leeyahay waa sac oon duq ahayn yarayna, oo u dhaxaysa taas [labadaas] ee fala waxa laydin fari.”
  2. Waxay dhaheen “Noo bari Eebbahaa hanoo caddeeyo midabkeeda,” wuxuuna yidhi “Eebe wuxuu leeyahay waa sac boora ah, booranimadeed darantahay, oo ka farxin [cajabin] kuwa eegi.”
  3. Waxay dhaheen “Noo bari Eebbahaa hanoo caddeeyo waxay tahay, maxaa yeelay waxaa is kaga kaana shabbahday [isu ekaatay] lo’dee, hadduu Eebe doonana waan toosaynaa.”
  4. Wuxuu yidhi, “Eebbe wuxuu leeyahay waa sac aan laylanayn oon qodayn dhulka, oon waraabinayna beerta, wayna ka nabadgashantahay [ceeb] midab kalana ma leh,” waxay dheheen “Haddaad la timid dhabta,” markaasay gawraceen sicii, waxayna udhawaadeen inayna falin.

 

Aayadahan waxay ka warrami Banii Israa’iil iyo madax-adaygooda iyo siday isugu dhibeen sicii gawraca la yidhi, ay warsadeen da‘deeda, midabkeeda, tilmaanteedaba, taasina waxay ku tusin ciddii wax isku adkeeya isagoo fudud in lagu dhibi siduu yidhi Ibnu Cabbaas, “Hadday qaadan lahaayeen saca ugu yar way ku filaan lahayd, laakiin way isku adkeeyeen. markaasaa Iagu adkeeyey.” Al-Baqarah (68-71)

 

  1. Xusa markaad disheen naf ood isku khilaafteen Eebbana wuu soo bixin [muujin] waxaad qarineyseen.
  2. Waxaan ku nidhi “Ku garaaca kan la dilay saca qaarkiis, saasuuna u nooleeyaa Eebbe wixii dhintay, idiinna tusin aayaadkiisa si aad wax u kastaan.”
  3. Markaasay ingagtay quluubtiinu intaas ka dib, waxayna la mid tahay dhagax, ama waa ka darantahay ingeega, dhagaxyada waxaa ka mid ah kuway ka burqadaan wabiyaal, waxaana ka mid ah kuwo dildillaaca oo kasoo baxaan biyo, waxaana ka mid ah kuwo hooban cabsida Eebbe darteed Eebbana ma halmaansana waxaad camal falaysaan.

 

Saan horay u soo sheegnay waxay iska dileen Banii Israa’iil ruux, markaasaa la faray inay gawracaan sac si loo baadho ciddii wax dishay, hasa yeeshee ay isku khilaafeen iskuna dhibeen, Eebbana wuu muujiyey waxay qarinayeen, waxaana Eebbe faray in wax ka mida saca lagu garaaco maydkii la dilay si uu u noolaado* Eebbana waa karaa inuu nooleeyo wixii dhintay sida ruuxaas la dilay ee lasoo nooleeyay, waxaase ingagtay quluubtoodii sida dhagaxa. ama ka daran, illeen dhagaxa waxaa ka mid ah mid wabiyaal ka dilaacaan iyo mid la dillaaca oo biyo ka yimaadaan iyo mid la hoobta cabsi Eebbe. Wax walbana Eebbe waa ogyahay mana halmaamo. In dhagax Eebbe ka cabsadana la yaab ma leh, maxaa yeeley tasarrufka adduunka Eebbaa iska leh, waxna ma daaliyo, Nabigana (naxariis iyo nabadgelyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaan garan dhagax ku yiil Maka oo i salaami jiray intaan lay bixinin.” Waxaa wariyey Imaam Muslim. Al-Baqarah (72-74)

 

  1. Ma waxaad damcaysaan mu’miniintaay inay rumeeyaan Yuhuudda xaqa [oy idin raacaan] iyagoo koox ka mid ahi ay maqlayaan hadalka Eebbe [Towreed] haddana ay xarrifaan [leexiyaan] intay kaseen kadib, iyagoo og [inay gafsanyihiin]?
  2. Markay la kulmaan kuwii rumeeyey [xaqana] waxay dhahaan waan rumaynay, markuu qaarkood qaarka kale la kaliyoobana waxay dhahaan, “Ma waxaad uga sheekaynaysaan [u qireysaan] mu‘miniinta, waxa Eebe idiin faray [oo xaqnimada Nabiga Muxamed ah] si ay idiin kula doodaan Eebbe agtiisa miyaydaan wax kasayn?”
  3. Miyayna ogayn in Eebbe ogyahay waxay qarsan iyo waxay muujin.
  4. Waxaa ka mid ah Ehlu-Kitaabka kuwo aan wax qorayn waxna akhriyeyn, oon aqooninna Kitaab [Towreed] hasa yeeshee rumayn yididiilo, waxaan malo ahayna kuma socdaan.
  5. Halaag wuxuu u sugnaaday kuwa ku qoraya Kitaabka [Towreed] gacmahooda haddana dhihi kani wuxuu ka yimid xagga Eebbe si ay qiimo yar ugu gataan. Halaag baana ugu sugnaaday waxay qori gacmahoodu, halaag baana ugu suganaaday waxay kasban.

 

Markuu Eebbe soo sheegay madax-adayga Yuhuudda iyo siday u fulin waayeen amarka Eebbe, iyo muran-badnidooda iyo xaq-diidnimodooda wuxuu raaciyay ceebahooda iyo dambiyadooda badan, sida rumeyn la‘aanta xaqa, leexinta macnaha Kitaabka, qarinta xaqnimada Nabiga, jaahilnimada qaarkood, yididiillo been ah, ku noolida badalaadda Kitaabka iyo ka-ganacsiga xaqa iyo xumaanno kale oo badan, Eebbase wuu ogyahay wuuna arkaa wuuna ka abaalmarin, waxaana u sugnaaday jab iyo halaag. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Yuhuuddu markay mu‘miniinta la kulmaan waxay dhihi jireen waa Nabi idinku gaar ah, markay isla kaliyoobaana waxay dhihi sow kaad qirsanaydeen ma aha?” Al-Baqarah (75-79)

 

  1. Waxay dhaheen Yuhuud, “Nama taabanayso Naartu waxaan ayaamo tirsan ahayn,” waxaad dhahdaa “Ma ballan baad ka qaadateen Eebbe agtiisa oosan idinkaga baxayn Eebbe ballankiisa? Mise waxaad ku sheegaysaan waxaydaan ogayn?”
  2. Saas ma aha ee ruuxii kasbada xumaan oo uu koobo gafkiisu ciddaasi waa asxaabta Naarta, wayna ku waari dhexdeeda.
  3. Kuwa rumeeyey [xaqse] oo camal wanaagsan sameeya kuwaasi waa asxaabta Jannada wayna ku waari dhexdeeda.
  4. Xusa markaan ka qaadnay Banii Israa‘iil ballan inaydaan caabudin Eebbe mooyee, iyo inay u sama falaan labada waalid, qaraabada, agoonta, masaakiinta iyo inay u dhahaan wanaag, salaaddana oogaan, bixiyaana zakada, markaasaad jeesateen in yar oo idinka mid ah mooyee, idinkoo jeedsan.

 

Eebbe wuxuu buriyay sheegashadi Yuhuudda ee ah inaan Naartu taabanayn muddo yaroo tirsan mooyee oo ah ayaamahay caabudeen dibiga, wuuse ku beeniyey Eebbe una caddeeyey inayan wax ballan ah Eebbe ka qaadin ee ay ku hadli wax been ah ooyana u cilmi lahayn, ciddiise xumaan kasbata dambigeeduna koobo waxay noqon Naarta ehelkeeda, kuna waari, mu‘miniinta xaqa rumeeyeyse wanaaggana fala waxay gali kuna waari Jannada, wuxuuna Eebbe caddeeyey ahmiyadda Eebbe kaliya oo la caabudo, iyo in loo sama falo waalidka, qaraabada, agoonta, masaakiinta, hadal wanaagsan oo loo dhaho dadka, iyo salaadda iyo zakada oo la guto, hase yeeshee gaalo way ka jeedsatay. Cabdullaahi ibnu Mascuud waxaa laga wariyay inuu yidhi, “Rasuulka Eebbow camalkee u fiican?” Wuxuuna yidhi, “Salaadda oo waqtigeeda la guto.” “Maxaa ku xiga?” “Labada waalid oo loo samo falo.” “Haddana maxaa ku xiga?” Wuxuu yidhi, “Jidka Eebbe oo lagu jahaado.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Al-Baqarah (80-83)

 

  1. Xusa markaan idinka qaadnay ballan [adag] inaydaan iska daadin dhiig [inaydaan isdilin] aydaan qaarkiin [qaarka kale] guryihiinna ka bixinin, markaasaad aqoonsateen arrintaas idinkoo marag furi.
  2. Haddana waxaad ahaateen kuwo dili naftooda, oo ka erya kooxo idinka mid ah guryahooda, idinkoo isugu kaalmayn korkoodu dambi iyo colnimo, haddii la qafaashana waad furanaysaan, iyadooy dhabtu tahay inay xaaraan idinka tahay bixintoodu. Miyaad rumaynaysaan Kitaabtka qaarkiis, kana gaaloobaysaan qaar? Ruuxii saas fala oo idinka mid ah abaalkiisu ma aha dulli adduun iyo maalinta Qiyaame oo loo celin cadaab daran mooyee, Eebbana ma halmaamayo waxaad falaysaan.
  3. Kuwaasina waa kuwa ku gatay nolosha adduunyo [ee dhaw] aakhiro, lagamana fududeeyo xaggooda cadaabka loomana gargaaro.

 

Aayadahan wuxuu Eebbe ku sheegay xaalkii Yuhuudda joogtay waqtigii Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) iyo wixii ballan laga qaaday inayna islaynin, hase yeeshee ay khilaafeen isna laayeen isna bixiyeen, haddii qaar la qafaashana oy furan jireen, taasina waa Kitaabka qaarkiis oo la rumeeyay qaarna laga gaaloobay, ciddii saas fashana waa kuwa adduunyada ku gatay aakhiro, cadaab daranna way mudan Qiyaamada, aayaduhuna waxay canaanan ruux kasta oon xaqa suu yahay ugu dhaqmin, ama Yuhuud ha ahaato ama cid kale. Al-Baqarah (84-86)

 

  1. Dhab ahaan yaan u siinnay [Nabi] Muuse Kitaabka, waxaana raacinnay gadaashiis rasuullo, waxaana siinnay [Nabi] Ciise Ibnu Maryama mucjizaad cad cad, waxaana ku xoojinnay ruux daahir ah [Jibriil] markastoose idiinla yimaaddo rasuul waxaan naftiinu jeclayn [xaqa] ma iskibrisaan, koox waad beenisaan, kooxna waa dishaan.
  2. Waxayna dheheen Yuhuud “Quluubtannadu waxay ku sugantahay dabool,” saas ma aha ee waa la nacladay gaalnimadooda darteed wax yar bay rumeeyn.
  3. Markuu uga yimid Yuhuud Kitaab xagga Eebbe isagoo rumeyn waxa agtooda ah [Tawreed] horayna u ahaayeen kuwa ku gargaarsada kuwii gaaloobay, markuu yimid waxay garanayeen way ka gaaloobeen Nabiga, naclad korkooda ha ahaato gaaladee.

 

Yuhuudu hadal qallocan iyo xumaan ma waydo, halkanna markii xaqu u yimid Qur’aanka iyo Nabiga yey sheegteen inay qalbiga ka daboolan yihiin, markaasuu Eebbe nacladay, maxaa yeelay wax yar bay rumeyn, wayna yaqiiniyeen Nabiga iyagoo ku dhihi jiray gaalada kale waxaa lasoo bixin Nabi intaan la safanno naloo gargaari, wax Iala yaabana ma aha in Eebbe soo diro Nabi siduu Nabiyo badanba u bixiyey. Xudayfe waxaa laga wariyey, “Quluubtu waa afar, waxaana ka mid ah qalbi daboolan oo loo cadhooday waana qalbiga gaalka.” Waxaa wariyey Bukhaari. Al-Baqarah (87-89)

 

  1. Waxaa u xun waxay ku gataan naftooda inay ka gaaloobeen xaqa Eebbe soo dajiyey xasad dartiis, kusoo dajinta Eebbe fadligiisa ciduu doono oo addoomadiisa ka mid ah, waxayna la noqdeen cadho cadho kale lagu kordhiyey, gaalana waxaa u sugnaaday cadaab wax dulleeya.
  2. Marka lagu yidhaah Yuhuudda, “Rumeeya waxa Eebbe soo dajiyey,” waxay dhahaan, “Waxaannu rumeyn waxa nalagu soo dejiyey,” wayna ka gaaloobaan waxa ka dambeeyey, isagoo xaq ah oo rumeyn waxa agtooda ah, waxaad dhahdaa, “Maxaad ugu disheen nabiyada Eebbe horay haddaad mu‘miniin tihiin?”
  3. Dhab ahaan yuu idiin la yimid [Nabi] Muuse mucjisooyin, markaasaad yeelateen dibi [ilaah] isaga kadib idinkoo daalimiin ah.

 

Ganacsi waxaa u xun xaqoo la naco oo xumaan la raaco, isagoo xasad iyo dulmi ku madax taagi sida Yuhuuddii Nabiga diidday, kuwaasoo marka la faro inay Qur’aanka iyo Nabiga raacaan sheegi inay rumayn Tawreed wixii ka dambeeyeyna ay ka gaalobi, inkastoos xaq yahay u rumeynna Tawreed, waase beentood Yuhuuddu, maxaa yeelay waxay layn jireen nabiyadii hore, dibina way caabudeen iyagoo daalimiin ah. Abul Caaliya wuxuu yidhi, “Cadhada hore waxay ku dhacday markay beeniyeen Nabi Ciise iyo Kitaabkii Injiil. Tan kalana markay beeniyeen Nabi Muxamed (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) iyo Qur’aanka.” Al-Baqarah (90-92)

 

  1. Xusa markaan idinka qaadnay ballan, korkiinnana yeelay [Buurta Duur] oon idinku nidhi “Ku qaata waxaan idin siinay xoog [niyad-adag] maqlana [xaqa],” waxayna dheheen “Waan maqalnay waana caasinay,” waxaana laga waraabiyey quluubtooda [jacaylkii] dibiga [ay caabudeen] gaalnimadooda darteed, waxaad dhahdaa waxaa xumaan badan wuxuu idin farayo iimaankiinnu haddaad mu’miniin tihiin.
  2. Waxaad dhahdaa hadday daarta aakhiro idinka uun idiin sugnaatay dadka kale ka sokow, jeclaada geeri haddaad run sheegaysaan.
  3. Mana jeclaanayaan [geerida] waligood waxay hormarsadeen gacmahoodu darted, Eebbana waa ogyahay daalimiinta.
  4. Dhab ahaan waxaad ugu ogaan Yuhuudda inay ugu dadaal badan yihiin nolosha, kuwa gaalada ah qaarkood wuxuu jecel yahay in la cimri siiyo kun sano, cimrigaasna kama fogeeyo cadaab, Eebbana waa arkaa waxay camal fali.

 

Yuhuud waligeed way madax adkeyd, sidii horay u soo martayna waxaa korkooda la yeelay Buurta Duur si ay u qaataan xaqa iyo Kitaabkii Tawreed, wayse caasiyeen oo jeclaadeen dibi caabudiddiis, waxaasina iimaan ma aha. waxayna arrintaas ku dareen inay sheegan inay Jannadu iyaga u sugnaatay. Hadday taasi run tahayna waxay jeclaan lahaayeen geeri, mase jecla, wax ka naf jecelna ma jiro, kun sano ruux jirana wax ugama tarto cadaab, arrintaas Yuhuudda lagu sheegay cidaan ka leexanba waxba isma dhaamaan, adduunyo layska dabaridana wax ma tarto. Al-Baqarah (93-96)

 

  1. Waxaad dhahdaa ruuxii col u ah [Malaku] Jibriil [waa colka Eebbe], maxaa yeelay wuxuu ku dajiyey qalbigaaga idin Eebbe dartiis, isagoo rumeyn Qur’aanka wixii ka horreeyey waana hanuunka iyo bishaarada mu‘miniinta.
  2. Ruuxii col Eebbe ah, malaa’igtiisa, rasuulladiisa, Jibriil iyo Miikaa’iil, Eebbana col buu u yahay gaalada.
  3. Dhab ahaan yaan kuugu dajinnay aayaad cad cad, kamana gaaloobo faasiq cid aan ahayn.
  4. Markastooy ballantamaanna Yuhuuddu waxaa tuura [buriya] ballanka koox ka mid ah, saas ma ahee Yuhuudda badankood waxba ma rumeyn.
  5. Markuu uga yimid Rasuulku xagga Eebbe isagoo rumayn waxa agtooda ahna [Tawreed] waxay ka tuuraan koox ka mid ah kuwii Kitaabka la siiyey [culimada Yuhuudda] Kitaabka Eebbe dhabarkooda gadaashiisa, waxayna la mid yihiin iyagoon garanayn.

 

Aayadahani waxay soo dageen markay Yuhuuddu sheegteen in Malaku Jibriil col u yahay, taasina waxay ku tusin madax-adeygooda iyo xaqdiidnimadooda intay kala colloobaan malaga waxyiga kusoo dajiya nabiyada, ma waxse lala colloobaa malag idanka Eebbe kusoo gaadhsiiya xaqa, Eebbana wuu la colloobi ciddii la collowda malaa‘igtiisa, beeniyana Qur’aanka lagu soo dajiyey Nabiga Muxamed ah, Yuhuuddana waxaa caadaddooda ka mid ah inay buriyaan ballannada, beeniyaanna wixii sugi xaqnimada Nabiga Muxamed ah (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) xataa Kitaabkooda Tawreedba ha ahaadee. Al-Baqarah (97-101)

 

  1. Waxay raaceen gaaladii Yuhuuddu waxay shayaadiintu akhriyeysay waqtigii xukunkii Nabi Suleymaan, ma gaaloobin Nabi Suleymaan, laakiin shayaadiinta yaa gaalowday, waxayna baraan dadka sixirka iyo wixii lagu soo dajiyey labadii malag ee Baabil joogay ahaana Haaruut iyo Maaruut, mana baraan cidna intay uga dhahaan waxaan uun nahay fidnee ha gaaloobin, waxayna ka bartaan xaggooda wax kala geeya ninka iyo haweenaydiisa, kumana dhibaan ruuxna idinka Eebbe la‘aantiis, waxayna bartaan dadkaasu wax dhiba oon anfacayn, dhab ahaan yey u ogaadeen Yuhuuddu ruuxii sixir barta inuusan aakhiro nasiib ku lahayn, waxaana baas leh sixirkay naftooda ku gateen hadday wax ogyihiin.
  2. Hadday kuwa [sixirka baran] rumeeyaan xaqa oy dhawrsadaan wanaag ku abaalmarinta Eebbe yaa u khayr roon hadday ogyihiin.

 

Yuhuudu waxay raaceen oo ku dhaqmeen sixir intay ka jeedsadeen xaqa, iyo Kitaabadii Eebbe. Nabi Suleymaan xaqa kama leexan, hasa yeeshee waxaa gaaloobay shayaadiintii dadka sixirka bari jiray, sixir iyo xumaan ciddii ku dhaqanta nasiib kuma laha aakhiro, waxaana dadka u khayr roon cabsi Eebbe iyo rumeyntiisa, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ruuxii u taga kaahin wax sheegaha ama sixirre u rumeeya wuxuu sheegi, wuxuu ka gaaloobay wixii lagu soo dajiyey Nabiga Muxammad ah.” Waxaa wariyey Nasaa’i. Al-Baqarah (102-103)

 

  1. Kuwa xaqa rumeeyow ha dhihina na ilaali ee dhaha na sug maqlana, gaalana waxaa u sugnaaday cadaab daran.
  2. Ma jecla kuwii gaaloobay oo ehlu-Kitaabka ahaa [Yuhuud iyo Nasaara] iyo gaaladii Carbeed in laydinku soo dajiyo khayr xagga Eebbe ka yimid, Eebbana wuxuu ku kali yeelaa naxariistiisa ruuxuu doono, Eebbana fadligiisu [khayrkiisu] waa wayn yahay.
  3. Waxaan tirro oo aayad ah ama aan dib u dhigno waxaan keenaynaa mid ka khayr badan ama la mid ah, miyaadan ogayn in Eebbe wax kastoos [doono] uu karo.
  4. Miyaadan ogayn in Eebbe leeyahay xukunka samaawaadka iyo dhulka, idinmana sugnaanin Eebbe ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.
  5. Mise waxaad dooneysaan inaad wax warsataan Rasuulkiinna sidii loo warsaday [Nabi] Muuse mar hore, ruuxii ku baddasha gaalnimo iimaan wuxuu ka dhumay jidka toosan.

 

Diinta Islaamku ma oggola in laysku shabbaho gaalada, ama xagga hadalka, ama camalka, dhaqanka iyo wax kastoo keeni shakhsiyadda Muslimka, Eebbana fadligiisu waa badan yahay, cidduu doono yuuna u naxariistaa, wixii xukun ah oo Eebbe tirana ama dib u dhigo, wuxuu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) kusoo dajin jiray mid ka khayr badan ama la mid ah, wax lala yaabana ma aha maxaa yeelay Eebbaa abuuray dadka isagaana og dantooda, wax walbana awooddiisay ku jirtaa, warsi iyo su‘aal aan qiimo lahaynna waa baadinnimo iyo xaq ka leexasho, oo la mid ah tay Yuhuuddu warsatay [Nabi] Muuse, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebe wuxuu idinka reebay muran, xoolo hallayn iyo warsi badan oo macno darro.” Waxaa lagu wariyey Saxiixayn. Al-Baqarah (104-108)

 

  1. Waxay jecel yihiin in badan oo ehlu-Kitaab ah [Yuhuud iyo Nasaara] inay idiin celiyaan iimaankiinna kadib gaalo, xasad naftooda ka yimid dartiis, intuu xaqu u caddaaday kadib, ee iska cafiya iskana saamaxa inta Eebbe ka keeni amarkiisa [la dagaallankooda ama islaamkooda], Eebbana wax kastuu doono wuu karaa.
  2. Salaaddana ooga zakadana bixiya, waxaad u hormarsataan naftiina oo khayr ah waxaad ka helaysaan Eebbe agtiisa, Eebbana waxaad camal falaysaan waa arkaa.
  3. Waxay dhaheen, “Ma galo Jannada ruux aan Yuhuud ahayn ama Nasaaro,” taasina waa yididiillo [been ah]. Waxaad dhahdaa “Keena xujadiina haddaad run sheegeysaan.”
  4. Ruuxiise u hoggaamiya wajigiisa Eebbe isagoo sama fala ah, wuxuu ku leeyahay ajrigiisa Eebbe agtiisa, mana cabsadaan mana walbahaaraan.
  5. Yuhuud waxay tidhi Nasaaro waxba ma aha, Nasaarana waxay tidhi Yuhuuddu wax ma aha, iyagoo akhrin Kitaabka [Tawreed iyo Injiilba], saasay dhahaan kuwaan wax ogaynna [gaaladii Carbeed] hadalkoodoo kale, Eebbana wuu kala xukumin dhexdooda maalinta Qiyaame waxay isku diiddanaayeen.

 

Gaalo waxay jecel yihiin in Muslimiintu gaaloobaan oo xaqa ka leexdaan, xasad iyo xumaan darteed, waase in xaqa lagu sugnaado warkoodana aan la maqlin, waxay kaloo sheegeen Yuhuud iyo Nasaaraba in mid walba iyadu xaqa ku taagan tahay ee tan kale ayna waxba ahayn, Janno galiddeed iyo hanuunkuna ma aha sheegasho ee waa toosni iyo camal fiican oo la falo, taas darteed yuu Eebbe ku ballan qaaday inuu kala bixin dadka maalinta Qiyaame waxay isku diiddanaayeen, waxaana sugnaatay in Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Ciddii camal fasha waxaan camalkannaga ahayn waa wax la tuuri (la aqbalayn).” Al-Baqarah (109-113)

 

  1. Cidna kama dulmi badna ruux reebay [diiday] in masaajidda Eebbe dhexdiisa lagu xuso magaciisa, una camal fala say u kharaabi lahayd [masaajiddu] kuwaas [gaalada ah] xaq uma leh inay galaan masaajidda iyagoo cabsan mooyee, adduunka waxay ku mudan dulli aakhirana cadaab wayn.
  2. Qorrax kasoo bax iyo u dhacba Eebbaa iska leh, meel kastood u jeedsataanna waa jaho Eebbe [markaad Qiblada garan weydaan], Eebbana waa waasac [naxariistiisu] wax walbana og.
  3. Waxay dhaheen gaaladii, “Wuxuu yeeshay Eebbo ilmo,” waana ka nasahan yahay, saas ma aha ee waxaa u sugnaaday Eebbe waxa ku jira samada iyo dhulka, dhammaanna Eebbay u hoggaansamaan.
  4. Isagaa abuuray samooyinka iyo dhulka, markuu doono arrinna wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaadaa.
  5. Waxay dhaheen kuwii aan wax ogayn [gaaladii], “Muxuu Eebbe noola hadli waayey ama noogu imaan wayday aayad,” saasoo kaley dhaheen kuwii ka horreeyey hadalkooda oo kale, waxaa is shabbahday [isu ekaatay] quluubtooda dhab ahaan yaan aayadaha ugu caddaynay ciddii wax yaqiinin.

 

Cid ka dulmi badan ma jiro ruux reebay in la nooleeyo masaajidda Eebbe, laguna xuso magaciisa, inuu kharaabana doona, cidda saas yeesha waa in la cabsi galiyo, dulli baana u sugnaaday adduun iyo aakhiraba, adduunkana Eebbaa iska leh, meel kastood u jeedsato, ama sunada ama ciddii wareerta, Eebbana waa ka nasahan yahay caruur, wuxuu iska leeyahay waxa ku sugan cirka iyo dhulka, wax walbana Eebbuu u hoggaansamaa, wuxuu doonana wuu ahaadaa, gaaladuna waxay had iyo jeer warsadaan waxyaalo waawayn, iyagoo hadalku isku mid yahay, waxaana ugu wacan inayan wax yaqiinsanayn. Zayd wuxuu yidhi, “Cidna uma habboona inuu Baytka dadka ka celiyo.” Al-Baqarah (114-118)

 

  1. Annagaa ku dirray Nabiyow adoo xaq wata oo bishaarayn digana, lagu warsanna maayo ehelka [Naarta] Jaxiimo.
  2. Kaama raalli noqdaan Yuhuud iyo Nasaara intaad ka raacdo diintooda, waxaad dhahdaa hanuunka Eebbaa hanuun ah, haddaad raacdo hawadooda intuu kuu yimid cilmi ka dib, kama heshid xagga Eebbe sokeeye iyo gargaare [midna].
  3. Kuwaan siinnay Kitaabka waxay u raacaan raacid xaq ah [u akhriyaan] kuwaasina waxay rumeyn Qur’aanka, ciddii ka gaalowdana Qur’aankase [ama Nabiga] waa cidda khasaartay uun.
  4. Banii Israa’iilow xusa nicmadaydii aan idiinku nicmeeyey iyo inaan idiinka fadilay adduunka [waqtigiinnii].
  5. Ka dhawrsada maalintayna nafna naf kale ka abaalmarinaynin waxba, furashana aan laga aqbalayn, shafeecana ayan anfacayn oona loo gargaarayn.

 

Nabiga Muxamed ah (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) Eebbaa diray, waajibkiisana wuu gutay, ehlu-Naarkana wax laga weeydiin maayo, tan kale Yuhuud iyo Nasaara iyo gaalaba kaama raali noqdaan intaad ka raacdid waxay rabaan, hanuun iyo wanaagna waa midka Eebbe, ciddii warkooda raacdana wax Eebbe kasoo haray oo u gargaari ma jiro, dadkase Kitaabka rumaysan waxay si fiican u raacaan Kitaabkaas wayna rumeeyaan, ciddiise ka gaalowda waa mid khasaartay. Qur’aankana wax badan yuu Eebbe ku sheegay inuu u nicmeeyey Banii Israa’iil markay xaqa ku toosnaayeen, markayse xumaan sameeyeen waxay la kulmi ciqaab daran. Cabdullaahi binu Mascuud wuxuu sheegay in kuwa Qur’aanka u raaca si xaq ah ay yihiin kuwa wuxuu banneeyay raaca, wuxuu reebana ka jooga, una akhriya sida Eebbe usoo dajiyey. Al-Baqarah (119-123)

  1. Xusuusta marka Eebbe ku imtixaamay [Nabi] Ibraahim kalimooyin [ereyo] uuna dhammeeyey, kuna yidhi, “Waxaan kaaga yeeli dadka imaam,” wuxuuna yidhi [Ibraahiim], “Caruurtaydana [ka yeel Eebbe]. Wuxuu yidhi, “Ballankaygaa [fiican] ma gaadho daalimiinta.”
  2. Xusuuso markaan ka yeeley Baytka [Kacbada] meel dadku ku kulmo, iyo nabadgalyo kana yeesha Maqaamka Ibraahim meel lagu tukado, waxaan u waxyoonnay [Nabi] Ibraahim iyo Ismaaciil inay u daahiriyaan baydkayaga kuwa dawaafi, kuwa ku nagi, iyo kuwa rukuuci ee sujuudi.
  3. Xusuuso markuu yidhi [Nabi] Ibraahim, “Eebbow ka yeel magaaladan [Makka] aamin kuna arzaaq dadkeeda midho kooda rumeeya Eebbe iyo maalinta dambe [Qiyaamada].” [Eebe] wuxuu yidhi, “Iyo kan gaaloobaba waan u raaxayn in yar markaas waanu galin cadaabka Naarta, meel la ahaadana iyadaa u xun.”
  4. Xusuuso markuu kor yeelay [Nabi] Ibraahim tiirarka Kacbada iyo [Nabi] Ismaaciil iyagoo leh, “Eebbow naga aqbal adaa waxna maqla waxna oge.”
  5. “Eebow naga yeel kuwa kuu hoggaansama, faracannagana ka yeel ummad kuu hoggaansanta, nana tusi camalkannaga [Xajka] nagana tawbad aqbal adaa tawbad-aqbal badane, wanaag-badanane ahe.”

 

Nabi Ibraahim Eebbaa imtixaanay, wuuna ku guulaystay imtixaankii, wuxuu Eebbe ka dhigay imaam, isaga iyo wiilkiisii Nabi Ismaaciil yaana dhisay Kacbada, Eebbana way baryeen wuuna ka aqbalay baryadii reer Makkaadna Eebbe u baryeen inta xaqa raacda in Eebbe irzaaqo, Eebbana wuu arzaaqi cid kasta, gaaladana aakharuu ka aarsan, waxayna ku tusin aayaduhu waynida iyo sharafta Kacbada iyo magaalada Makkaad ee barakeysan. Al-Baqarah (124-128)

  1. “Eebbow u soo bixi Rasuul ka mid ah oo u akhriya aayaadkaaga barana Kitaabka [Qur’aanka] iyo xikmadda [sunnada Nabiga] oo nadiifiya, adigaa Adkaade Falsame ahe.”
  2. Yaa naca diinta [Nabi] Ibraahim ruux xumeeyey naftiisa mooyee? Waana doorannay [Nabi] Ibraahim adduunyada, aakhirana wuxuu ka mid noqon kuwa suusuubban.
  3. Xusuuso markuu Eebbe ku yidhi, “Hoggaansan,” oo uu yidhi “Waan u hoggaansamay Eebbaha caalamka.”
  4. Wuxuu u dardaarmay arrintaas [Nabi] Ibraahim caruurtiisa, [Nabi] Yacquubna wuu u dardaarmay, wuxuuna yidhi, “Caruurtaydiiyey Eebbe wuxuu idiin doortay Diinta ee ha dhimanina idinkoon Muslim ahayn.”

 

Waynida Xaramka iyo Kacbada iyo waxa kusoo arooray waxay ku qoran tahay kutubaha dheer dheer, tan kale waxay aayaduhu caddeeyeen in Nabi Ibraahim Eebbe warsaday inuu Makka ka yeelo magaalo aamin ah, oo dadkeeda la arzuqo, waxaa kale oos warsaday Eebbe in camalkooda la aqbalo isaga iyo wiilkiisa Nabi Ismaaciil, Muslimna laga yeelo iyo carruurtooda, camalkooda fiicanna la tusiyo, Nabi dadka ka mid ahna loo soo bixiyo (Nabiga Muxamed ah naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), si uu u baro xaqa, ugana leexiyo xumaanta, saas darteed Diinta Islaamka ah oo Diintii Nabi Ibraahim iyo nabiyadii kale ma naco ruuxaan doqon aan wax garanayn ahayn mooyee, laguna dhaqmo laguna dhinto. Nabiguna wuxuu yidhi, “Makka Eebbaa xarrimay ee dad ma xarrimin, cidna uma bannaana inuu dhiig ku daadiyo, ama geedaheeda guro.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Waxaa kale oo Nabigu yidhi, “Anaa ugu dambeeya Nabiyada Eebbe agtiisa isagoo Nabi Aadamna dhoobada ku dhex jiro, waxaana ahay baryadii Nabi Ibraahim iyo bishaaradii Nabi Ciise. Hooyadayna way aragtay saasayna ahaayeen nabiyada hooyooyinkood.” Waxaa wariyey Imaam Axmed. Waxaase habboon in wanaaggoodii la raaco. Al-Baqarah (129-132)

 

  1. Miyaad joogteen [Yuhuuday] marka geeridu u timid [Nabi] Yacquub markuu ku yidhi carruurtiisa, “Maxaad caabudaysaan gadaashay?” Ayna dheheen, “Waxaan caabudaynaa Eebbahaaga iyo Eebbaha aabayowgaa Ibraahim, Ismaaciil iyo Isxaaq, Eebbe kaliya, isagaana u hoggaansamaynaa.”
  2. Taasina waa ummad tagtay, waxayna mudatay waxay kasbatay, idinkuna waxaad mudanaysaan waxaad kasbateen, laydin warsan maayo waxay camal falayeen.
  3. Waxay [gaaladii Muslimiinta] ku dhaheen, “Ama Yuhuud noqda ama Nasaara aad hanuunteene,” waxaad dhahdaa, “Mayee milladda [Diinta Nabi] Ibraahiim yaan raacaynaa ee xaqa u iishay, kamana mid ahayn gaalada.”
  4. Waxaad dhahdaan, “Waxaan rumaynay Eebbe iyo waxa naloo soo dajiyey iyo waxa lagu soo dajiyay Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub. iyo carruurtoodii iyo wixii la siiyay [Nabi] Muuse iyo [Nabi] Ciise iyo wixii laga siiyey nabiyadii (kale) xagga Eebbohood kala gayn mayno dhexdooda, waxaana u hoggaansamaynaa Eebbe.”
  5. Hadday u rumeeyaan saad u rumayseen way hanuuneen, hadday jeedsadeenna waxay ku sugan yihiin khilaaf, waxaana idinka kaafin Eebbe, isagaa wax maqla waxna oge.

 

Eebe wuxuu halkan ka qisoon Nabi Yacquub iyo carruurtiisii iyo wuxuu u dardaarmay markuu dhimanayey iyo inay haysteen Milladdii awoowyadood Nabi Ibraahiim, Ismaaciil iyo Isxaaq, hase ahaatee waxay Yuhuud iyo Nasaara sheegeen in hanuunkooda la raaco waa wax kama jiraan ee Diinta xaqa ah waa Diinta Nabi Ibraahiim ee Diinta Islaamka ah, Muslimiintuna waxay rumeysan yihiin Eebbe, Qur’aanka wixii lagu soo dajiyay Nabi Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub iyo carruurtoodii iyo wixii Nabi Muuse iyo Nabi Ciise lagu soo dejiyay mana kala qaybiyaan xaqa, haddayse gaaladu u rumeeyaan sida Muslimiinta waa hagaag, haddii kale waa inaan xaqa ku toosnaanno Eebbaa ina kaafinaayee. Al-Baqarah (133-137)

  1. Ku sugnaada Diinta Eebbe, yaa ka fiican Diinta Eebbe? [Ma jiro], isagaana caabudaynaa.
  2. Waxaad dhahdaa [Nabiyow] “Ma waxaad igula doodaysaan Eebbe isagoo Eebbahanno iyo Eebbihiinna ah, annaguna camalkannagu noo sugnaaday idinkuna camalkiinna, isagaana u kali yeelaynaa Diinta.”
  3. Mise waxaad dhahaysaan [Nabi] Ibraahim, Ismaciil, Isxaaq, Yacquub iyo carruurtii waxay ahaayeen Yuhuud ama Nasaara? Waxaad dhahdaa, “Ma idinkaa wax og mise Eebbe? Yaa ka dulmi badan ruux qariya marag agtiisa Eebbe ku yeeshay? Eebbana ma halmaamo waxaad falaysaan.”
  4. Taasi waa ummad tagtay, waxayna mudan waxay kasbatay, idinkuna waxaad mudanaysaan waxaad kasbateen, laydin warsanna maayo waxay camal falayeen.

 

Ma aha xaalku sida Yuhuud iyo Nasaarada oo ah in la dhaho waxaa la sibqin ilmo, waxaase khayr iyo wanaagba ah Diinta Islaamka ee ah Diinta hanuunka iyo toosnida, mana aha in dood xaq darro iyo qallooc ah la dodo. Nabi Ibraahim iyo Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub iyo carruurtuna ma ahayn Yuhuud iyo Nasaara midna, maxaa yeeley cidna Eebbe wax kama oga, mana halmaamo waxa la camal fali, ummad horreysay oo xaqa ku toosnayd in wax laga sheegana ma aha, maxaa yeeley cid walba waxay mudan waxay kasbatay wanaag iyo xumaanba. Qataade waxaa laga wariyey inuu yidhi, “Yuhuud iyo Nasaaraba waxay sibqiyaan [wax mariyaan] carruurtooda, sibqinta Eebbana waa Diinta Islaamka, wax ka fiican oo ka nadiifsanna ma jiro, waana Diinta Nabi Nuux iyo nabiyadii ka dambeeyey.” Al-Baqarah (138-141)

  1. Waxay dhihi kuwii xumaa ee dadka [gaalada] ka mid ahaa, “Maxaa ka jeediyey Muslimiinta Qiblay qaabili jireen [Baytul Maqdis]?” Waxaad dhahdaa [Nabiyow], “Qorrax-kasoo-bax iyo u-dhacba Eebbaa iska leh, wuxuuna ku hanuunin cidduu doono Jidka toosan.”
  2. Saasaan idinka dhignay ummad caadil [khayr ah] si aad marag ugu noqotaan dadka, Rasuulkuna idiinku noqdo markhaati, mana aanaan yeelin Qibladii aad qaabili jirtay inay kala muuqato ruuxa Rasuulka raaca iyo kan dib u noqon [gaaloobi] mooyee waana arrin ku weyn dadka marka laga reebo kuwa Eebbe hanuuniyey, Eebbana ma dhumiyo iimaankiinna [salaaddiina] Eebbana waa u naxariis badan yahay dadka.
  3. Dhab ahaan yaan ugu jeednay gadgadoonka wajigaaga ee samada, waxaana kuu jeedinaynaa Qiblad aad ka raalli noqon, ee u jeedi wajigaaga xagga Masjidka Xurmeysan, meel kastood joogtana u jeediya wajigiinna xaggiisa, kuwa Kitaabka la siiyeyna waa ogyihiin in jeedintaas xaq Eebbe tahay, Eebbana ma halmaansana waxay camal fali.

 

Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) wuxuu qaabili jiray intii muddo ah markuu tukan xagga Qudus, markii Eebbe faray inuu Kacbada u jeedsado yaa kuwii xumaa dicaayad iyo war fureen, iyagoo is warsan waxa Nabiga jeediyey, Eebbaase xukunka leh, ummadda Muslimka ahna ka dhigay marag caadil ah, siduu Nabiga uga yeelay maragga umadda, arrinta u jeedinta Qibladana uma fududa ruux aan mu‘min ahayn Eebbana hanuuniyey, Qibladii horay u tukadayna Eebbe ma halleeyo camalkeeda, Eebbana wuxuu daalacanayey ogaana jacaylka Nabiga in Kacbada loo jeediyo, inay arrintaasu xaq tahayna waxaa ogayd ciddii xaqa rabta. Ibnu Cumar waxaa laga wariyey inuu yidhi, “Dadkoo ku tukan Quba salaad Subax yuu ruux u yimid kuna yidhi Rasuulkii xalaa lagu soo dajiyey Qur’aan inuu Kacbada qaabilo Shaam bayna u jeedeen.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Al-Baqarah (142-144)

 

  1. Haddaad ula timaaddo kuwa ehlu-Kitaabka ah aayad kasta ma raacayaan Qibladaada adiguna ma raacaysid Qibladooda, qaarkoodna ma aha kan raaca Qiblada qaarka kale, haddaad raacdo waxay jecel yihiin gaaladu, inta cilmi kuu yimid [waxyiga Eebbe], waxaad ka mid noqon daalimiinta.
  2. Kuwaan siinnay Kitaabka waxay u yaqaannaan Nabiga [iyo xaquu la yimid] siday u yaqaannaan carruurtooda, koox ka mid ahna waxay qarin xaqa iyagoo og.
  3. Xaqu wuxuu ka yimid xagga Eebbahaa ee ha ka mid noqonin kuwa shakiya.
  4. Cid walba waxay leedaahay joho ay dhawrto [raacdana] ee u oratama wanaagga, meel kastood ahaataanna Eebbe wuu idin keeni [oo idin kulmin] dhammaantiin, Eebbana wax walba wuu karaa [hadduu doono].

 

Cid aan xaqa Eebbe rabin lama qancin karo wax kastoo loo keeno, sida xaq-diidayaasha,  ruuxa mu‘minka ahana waa inuusan ku kadsoomin xumaantooda kana digtoonaadaa inuu jidkooda raaco, Eebbana markuu ku adkeeyey Nabiga xaalkaas waxay digniin u tahay ummaddiisa, gaaladuna way garan xaqa iyo wanaagga iyo runnimada Nabiga, hase yeeshe waxay u diidi xasad iyo xumaan jacayl, maxaa yeeley xaq cad wax la shakiyo ma aha, cid walbase wax bay aaminsan tahay kuna socotaa, waase in khayrka iyo wanaagga loo degdego, Eebbana dadka wuu kulmin Qiyaamada si uu u kala bixiyo. Waxaa laga wariyey in Cumar ku yidhi Cabdullaahi binu Salaam, “Ma garan Nabiga Muxamed ah sidaad u garan ilmahaaga?” Markaasuu yidhi, “Haa, wax ka badan, aminkii yaa ka soo dajin cirka kuna soo dajin aminka dhulka waana aqoonsaday, ilmahaygase ma ogi waxay fashay hooyadiis.” Al-Baqarah (145-148)

 

  1. Meel kastood u baxdo u jeedi wajigaaga xagga Masjidka Xurmaysan, xaqu xagga Eebbahaa buu ka ahaaday Eebbana ma mooga waxaad falaysaan.
  2. Meel kastood u baxdana jeedi wajigaada xaggisa [Masjidka Xurmaysan], meel kastood joogtaanna u jeediya wajiyadiinna xaggiisa, si ayna xujo ugu ahaan dadka korkiinna, kuwa daalimiinta ah mooyee [ee gardarrada ku socda] hana ka cabsanina ee aniga iga cabsada, waxaana idiin taam yeeli [dhammayn] nicmadayda si aad u hanuuntaan.
  3. [Waan idiin nicmeynay] sidaan idinku dirnay dhexdiina Rasuul idin ka mid ah oo idinku akhriya aayaadkannaga, oo idin daahiriya, oo idin bara Kitaabka [Qur’aanka] iyo Sunnada Nabiga, idinna bara waxaydaan aqoonin.
  4. Ee i xusa aan idin xusee [ajir idin siiyee] iguna mahadiya hana iga gaaloobina.

 

Waa amar saddexaad oo Eebbe dadka Muslimiinta ah faray inay qaabilaan Masjidka Kacbada ee Xurmeysan, waxaana loo soo celceliyey waynida arrinta, waxaana lala hadlay ciddii Kacbada u jeedda, iyo kii Makka jooga iyo kan adduunka kale jooga, waana amar waajib ah, ciddii ka murantana ayan wax xujo ah lahayn, hase yeeshee xaq-diidayaashu way iska murmi xujo la‘aan, waase in Eebbe uun laga cabsado isagaa Rasuulka inoo soo diray si uu inoo toosiyo, xaqana inoo baro, xumaantana inooga leexiyo, xusidda Eebbe iyo mahaddiisuna waa in la badiyo, Eebbana wuxuu yidhi, “Haddaad kali igu xusto waan ku xusi si kali ah, haddaad i xusto adoo dad la joogana waxaan kugu xusi kulan ka khayr badan kiinna.” Nabigana wuxuu yidhi, “Ruuxii Eebbe u nicmeeyo Eebbe wuxuu jecel yahay inay nicmada raadkeedu ka muuqdaan khalqigiisa.” Waxaa wariyey Imaam Axmed. Al-Baqarah (149-152)

  1. Kuwa [xaqa] rumeeyow, kaalmaysta samir iyo salaad, Eebbe wuxuu la jiraa kuwa samree.
  2. Hana ku dhihina kuwa lagu dilo jidka Eebbe [Jahaadka] waa dhinteen, saas ma aha ee waa nool yihiin, mase kaseysaan.
  3. Waxaan idin ku imtixaanaynaa wax cabsi ah iyo gaajo, iyo nusqaamin xoolaha iyo nafta iyo midhaha, ee u bishaaree kuwa samra.
  4. Kuwaas markuu dhib ku dhoco yidhaahda Eebbaa na leh isagaana u noqonaynaa.
  5. Kuwaas waxaa korkooda ahaan deeq Eebbe iyo naxariistiisa, waana kuwa hanuunsan.
  6. Safo iyo Marwo waxay ka mid yihiin calaamooyinka [wayneynta] Eebbe ee ruuxii u xajiya Baydka ama cumraysta wax ma saarra hadduu ku wareego dhexdooda, ruuxa wax dheeraad ah la yimaadana Eebbe wuu ku mahdin wuuna ogyahay.

 

Samirka iyo salaadduba way u kaalmeeyaan dadka, waana in lagu dadaalo, tan kale dadkii jidka Eebbe ee Jahaadka ah lagu dilay ma aha dad dhintay, waxayse ku nool yihiin wanaag iyo nolol aynaan kasayn, adduunkuna waa guri imtixaan oy ku heli cabsi, gaajo, xoolaha iyo nafta iyo midhaha oo nusqaama, waxaase loo bishaareeyey kuwa adkaysta ogna inay addoomo Eebbe yihiin una noqon, waxayna mudan naxariis iyo wanaag, waana kuwa toosan. Safo iyo Marwo in la dawaafana waa waajib ciddii xajinaysa ama cumraysan, waxaa loo yidhi ruuxii dawaafa wax ma saarra waa in loo maleeyey inay tahay arrin soo jirtay, xadiithna waxaa ku sugnaaday, “Waxaa la yaab leh xaalka mu‘minka, hadduu khayr helo wuu ku mahdiyaa khayr bayna u noqotaa, hadduu dhib ku dhacana wuu samraa waxayna u noqotaa khayr.” Al-Baqarah (153-158)

 

  1. Kuwa qariya waxaan soo dajinnay oo aayaad ah iyo hanuun intaan dadka ugu caddaynay Kitaabka kuwaas waxaa nacladi Eebbe iyo kuwa wax naclada [malaa’igta iyo mu’miniinta].
  2. Marka laga reebo kuwa tawbad keena oo wanaagga fala oo xaqa caddeeya, kuwaas waan ka tawbad aqbali, waxaana ahay tawbad-aqbal badane naxariis badan.
  3. Kuwii gaaloobay oo ku dhintay gaalnimo kuwaas waxaa korkooda ah nacladda Eebbe iyo malaa‘igta iyo dadka dhammaan.
  4. Waxayna ku waari dhexdeeda [Naarta iyo nacladda] lagamana fududeeyo xaggooda cadaabka, loomana sugo.
  5. Eebbihiin waa Eebbe kaliya, isaga mooyee Eebbe kalana ma jiro, waana naxariis guud iyo mid gaaraba naxariiste.
  6. Cirka abuurkiisa iyo dhulka iyo kala duwanaanta habeenka iyo maalinka iyo doonta la socota badda wax anfaca dadka iyo waxa Eebbe kasoo dajiyay samada oo biyo ah kuna nooleeyay dhulka intuu dhintay ka dib, kuna fidiyay dhulka daabad kasta iyo gadgadoonka dabaysha iyo daruuraha loo sahlay samada iyo dhulka dhexdiisa waxaa ugu sugan calaamo kuwa wax kasi.

 

Xaqa oo la qariyo waxay keentaa ciqaab Eebbe iyo naclad, Illeen Islaamku waa in wanaagga la is faro, xumaantana la iska reebo, ciddii saas yeesha oo xaqa caddaysa oo wanaag fasha Eebbe wuu ka tawbad aqbalaa, gaalnimo lagu dhinto yayna ciqaab ku dhan tahay. Dadkana waxaa ugu filan calaamaad abuurka cirka, dhulka, habeenka, dharaarta, maraakiibta badda socota, roobka, iyo daruuraha xawaarayn cirka iyo dhulka dhexdooda. Abuu Daawuud wuxuu wariyay in Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yidhi, “Ruuxii cilmi la warsado oo qariya waxaa lagu xakamayn Qiyaamada xakama naar ah.” Al-Baqarah (159-164)

 

  1. Dadka waxaa ka mid ah cid ka yeelan Eebbe ka sokow wax lala caabudo una jecel yihiin say u jecel yihiin Eebbe, kuwa rumeeyey xaqa yaa ka daran jeceelkooda Eebbe, hadday arkaan kuwa dulmiga falay cadaabka [Aakharo] waxay ogaan lahaayeen in xoog dhammaantiis u sugnaaday Eebbe, Eebbana cadaabkiisu daran yahay.
  2. Markay iska bari yeelaan kuwii la raacay kuwii raacay, oy arkeen cadaabka, kalana go’day xidhiidhkoodii.
  3. Waxayna dhaheen kuwii raacay, “Haddii nala celiyo waan iska bari yeeli lahayn xaggooda say iska kaanna bari yeeleen,” saasuuna Eebe u tusiyaa camalkooda.
  4. Dadow cuna waxa dhulka ku sugan kiisa xalaasha fiican ah hana raacina waddooyinka Sheydaanka illeen cadaw cad buu idiin yahaye,
  5. Wuxuuna idin fari uun xumaan iyo macsiyo iyo inaad ku sheegtaan Eebbe waxaydaan ogayn.

 

Eebbaa jacayl xaq ah mudan, mana habboona in sida Eebbe wax kale loo jeclaado, Qiyaamadana way iska bari yeeli madaxdii iyo kuway ku hoggaaminayeen xumaanta, xidhiidhkoodiina wuu go‘i, calaacal iyo qoomamana wax ma tarayso iyo yaa i celiya aan iska bari yeelee say isaga kaanno bari yeeleen. Dadkuna waa inay xalaasha cunaan, waxa Shaydaanku farina ayan raacin illeen waa cadaw xumaan farayee. Waxaa sugnaatay in Sacad bini Waqaas ku yidhi Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Eebbe ii bari inuu ducadayda aqbalo.” Markaasuu ku yidhi, “Cunnadaadu xalaal ha noqoto ducaadaada waa la aqbaliye.” Al-Baqarah (165-169)

 

  1. Marka lagu dhaho [gaalada], “Raaca wuxuu soo dajiyey Eebbe,” waxay dhihi, “Saas ma aha ee waxaannu raaci waxaan ka helley aabbayowganno [oo caabudi].” Oo hadday yihiin aabbayowgood kuwaan wax kasayn hanuunsanayna [miyey raaci]?
  2. Waxay la mid yihiin kuwii gaaloobay mid u dhawaaqay [heesi] waxaan wax maqlayn, kasayna qaylada iyo dhawaaqa mooyee, wax ma maqlaan mana hadlaan waxna ma arkaan, waxna ma kasaan.
  3. Kuwa xaqa rumeeyow, wax ka cuna wanaaggaan idinku arzuqnay, kuna mahdiya Eebbe haddaad tihiin kuwo isaga caabudi.
  4. Wuxuu uun idinka reebay bakhtiga, dhiigga, hilibka doofaarka iyo wixii Eebbe magiciisa waxaan ahayn lagu gawraco, ruuxiise dhibaatooda [baahan] oon xadgudbin dulmina galin korkiisa dambi ma saarra [inuu] wax ka cuno, Eebbena waa dambi-dhaaf badane naxariis badan.

 

Xaqa in la raaco yaa habboon ee ma aha in aabbe iyo cid kale midna xumaan lagu raaco, oo lala mid noqdo xoolo loo heesi oo kale oo xaq-diiid la noqdo, Eebbana wax buu reebay in la cuno, waxna wuu xalaaleeyey, ee waa in la cuno xalaasha laguna mahadiyo Eebbe, lagana fogaado bakhtiga, doofaarka, dhiigga iyo waxaan magaca Eebbe kaliya lagu gawricin, dhibaato iyo baahise waa meesheeda ciddaan xad gudbin. Xadiithna waxaa ku sugnaaday, “Eebbe waa wanaagsane, waxaan wanaag ahayna ma aqbalo, wuxuuna faray mu‘miniinta wuxuu faray Rasuulladii…” Al-Baqarah (170-173)

 

  1. Kuwa qariya waxa Eebbe soo dajiyey oo Kitaabka ah [Qur’aanka] kuna gata lacag yar kuwaasi kuma cunayaan [ma galinayaan] calooshooda waxaan Naar ahayn, lamana hadlo Eebbe maalinta Qiyaame mana daahiriyo, waxayna mudan cadaab daran.
  2. Kuwaasi waa kuwa ku gatay baadida hanuun, cadaabna dambi-dhaafid, maxaa uga adkaysi badan Naarta?
  3. Arrintaas waxaa ugu wacan in Eebbe u soo dejiyey Kitaabka xaqa ah, kuwii isku diiday kitaabkana waxay ku sugan yihiin khilaaf fog.
  4. Samo-falku ma aha inaad wajiga u jeedisaan qorrax-kasoo-bax iyo qorrax-u-dhac, laakiin sama-fale waa ruuxii rumeeya Eebbe, Qiyaame, malaa‘igta. Kitaabka [Kutubta Alle], Nabiyada, oo siiya xoolaha isagoo jecel qaraabada, agoonta, masaakiinta, masaafirka, kuwa baryootama, fakin qoor, oogana salaadda, bixiyana zakada, oofiyana ballankooda markay ballamaan, samra [adkaystana] waqtiga saboolnimada, jirrada iyo dagaalka. Kuwaasina waa kuwa ku runsheegay iimaankooda, waana kuwa dhawrsada.

 

Xaqoo la qariyo ama si xun loo sheego waa arrin daran oo Eebbe ugu goodiyey ciddii fasha ciqaab daran iyo cadaab, maxaa yeelay Xaqii bay ku gateen adduunyo, hanuunkii iyo dambi-dhaafkiina baadi iyo cadaab, marse hadday khilaaf iyo Xaq-diid ku sugan yihiin ha u darbadeen cadaab hadday u adkeysan. Sama-falkuna ma aha istustus iyo wajigoo la jeediyo, waase in Xaqa dhammaantiis la rumeeyo, dadkana loo naxariisto, cibaadadana la badiyo, dhibka iyo Jahaadka iyo jirradana loo adkeysto iyadoo lagu dadaali sidii laysaga fududayn lahaa, kuwa saas fala waa kuwa xumaanta ka dhawrsaday. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Sadaqo waxaa u fiican inaad bixiso adoo fayow oo ku adag bixinta, yididiillana hodontinnimo.” Waxaa wariyey Xaakiim. Al-Baqarah (174-177)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, waxaa laydinku waajibiyey qisaasta dadka la dilo, xurta xur baa loo qisaasan, addoonkana addoon, haweeneydana haweeney, ruuxiise looga cafiyey walaalkis [xaggiisa] wax waxaa saaran inuu si fiican u raaco isna si fiican loogu gudo, taasina waa fudayd xagga Eebbe iyo naxariis, ruuxiise xadgudba intaas ka dib wuxuu mudan cadaab daran.
  2. Waxaa idinku sugan qisaasta nolol dadka wax garadka ahow, waxaadna mudan tihiin inaad dhawrsataan.
  3. Waxaa laydinku waajibiyey markaad dhimanaysaan haddaad ka tagaysaan xoolo dardaaranka waalidaynka iyo qaraabada si wanaagsan, xaq bayna ku tahay kuwa dhawrsada.
  4. Ruuxiise baddala dardaaranka intuu maqlay kadib dambigu wuxuu saaran yahay uun kuwa wax baddala, Eebbana waa maqle og.
  5. Ruuxii uga cabsada dardaaran iilasho ama dambi oo hagaajiya dhexdoda, korkiisa danbi ma saarra, Eebbana waa dambi-dhaaf badane naxariis badan.

 

Eebbe wuxuu soo dajiyay sharci wanaag badan si loogu dhaqmo. hasa yeeshee dadku isku mid ma aha, qaar waxay ku dhaqmi sharcigaas, qaarna in xoog iyo toosin la toosiyo mooyee ma hagaagaan, saas darteed ciddii cid kale si gardarra ah u disha waa in iyana la dilaa si nabad iyo nolol loo helo. Haddii layska cafiyo si heshiis ah waa in si fiican laysu xaqmariyaa, waa naxariis Eebbe. Tan kale waa in ruuxu geeri ka hor xuquuqda ku caddeeyaa dardaaran, si caddaalad markhaatiguna ka run sheegaa, waxna baddalin, wixii gaf ahna saxaa isgoon xumaan iyo danbi galin. Al-Baqarah (178-182)

 

  1. Kuwa xaqa rumeeyow, waxaa laydinku waajibiyay soonka sidii loogu waajibiyey kuwii idinka horreeyey si aad u dhawrsataan.
  2. Waa maalmo tirsan ee ruuxii idinka mid ah oo buka ama safar ah waxaa korkiisa ah ayaamo kale [soonkood] kuwa uu dhibina waxay bixin [quudin] miskiin, ruuxii badsada [khayrkana] saasaa u fiican, inaad soontaan yaana idiin khayr badan haddaad tihiin kuwo wax og.
  3. Waa bisha Soon ee la soo dajiyey dhexdiisa Qur’aanka, isagoo hanuun dadka u ah, iyo caddayn hanuun iyo kala bixin [xaqa iyo baadilka] ee ruuxii jooga [nagi] ha soomo, ruuxiise buka ama safar ah waxaa saaran maalmo kale, wuxuu idinla dooni Eebbe fudayd ee idin lama doonayo culays, waana inaad dhammaystirtaan tirade, wayneysaanna Eebbe wuxuu idinku hanuuniyey, waxaadna u dhawdihiin, mudantihiin, inaad mahadisaan Eebbe.

 

Tiirarka waaweyn ee Islaamka waxaa ka mid ah soonka oo Eebbe waajibiyey siduu ummadihii hore ugu waajibiyey si xumaanta looga dhawrsado, waana maalmo tirsan oo soddomeeye ama wax ka yar ah, ciddii kartana waa ku waajib oo qaangadh ah oo cudur iyo safar midna hayn. Soonku waa bishii Qur’aanka oo hanuun iyo caddayno ah la soo dajiyay. Eebbana dhib inalama doonayo ee fudayd buu inala rabaa iyo inaan dhammayno soonka, Eebbana waynayno, kuna mahdino hanuunkiisa.

Rasuulku wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Ruuxii u sooma (bisha) Soon rumeyn Eebbe iyo ajri-kasab, waxaa loo dhaafaa wuxuu hor marsaday oo dambi ah.” Tan kale wuxuu ku tusin soonku sinnaan iyo caddaalad iyo in laysu naxariisto. Al-Baqarah (183-185)

 

  1. Hadday ku warsadaan [Nabiyow] addoomadu xagayga anigu waan dhawahay waana ajiibaa [aqbalaa] baryada markay i baryaan, ee ha i maqleen iyaguna hana i rumeeyeen si ay u hanuunaan.
  2. Waxaa laydiin banneeyey inaad habeenka Soonka is aragtaan haweenka, maxaa yeelay dhar [asturaad] bay idiin yihiin, idinkuna dhar [asturaad] baad u tihiin, Eebbana wuxuu ogaaday inaad khayaamayseen naftiinna, wuuna idinka tawbad aqbalay idina cafiyey ee hadda u taga haweenkiinna kana doona waxa Eebbe idiinku qoray, cuna oo cabbana intuu ka muuqdo liilanka cadi [waagu] kan madow aroortii, dhammeeyana soonka tan iyo habeenka hana u tagina haweenka idinkoo ku nagi masaajidda, taasina waa xuduudda [soohdinta] Eebbe ee haw dhawaanina, saasuuna ugu caddayn Eebbe aayaadkiisa dadka si ay u dhawrsadaan.
  3. Hana ku cunina xoolihiinna dhexdiinna si baadil [xaq darri] ah idinkoo u dhiibi [laaluush] xukaamta si aad ugu cuntaan qayb ka mid ah xoolaha dadka dambi idinkoo og.

 

Eebbeheen waa inoo dhaw yahay wuuna maqli ducada iyo baryada addoomadiisa mu‘miniinta ah, wuuna aqbalaa, ee waa in iyaguna Eebbehood adeecaan si dhab ahna u caabudaan, isagana baryaan, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbe waa ka xishoodaa in addoon fidiyey gacmihiisa isagoo baryi inuu hoojiyo.” Tan kale soonka habeenkii ma reebna inay is arkaan laba is qabta, maalintiise way reeban tahay bisha Soon inay is hunguriyeeyaan, waxaa kaloo la reebay inay is arkaan iyagoo masaajidda ku nagi, waxaasi waa xuduudda Eebbe waana inaan loo dhawaan, wayna u caddahay dadka lana dhawrsado.

Xoolaha dadka kalana waa inaan xaq darro iyo madaxda oo lala kaashado lagu cunin, waana reeban tahay in lagu cuno laaluush, khayaamo, been iyo wadda kasta oo xaaraan ah iyadoo la ogyahay. Nabigaa yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) macnahaas. Al-Baqarah (186-188)

 

  1. Waxay ku warsan [Nabiyow] bisha ee waxaad dhahdaa waqtigay [mudday] ugu tahay dadka iyo Xajka, mana aha samo-falku inaad ugaga timaaddaan guryaha xagga dhabarka ee sama-fal waa ruuxii dhawrsada, ugagana imaada guryaha albaabbada, kana dhawrsada Eebbe waxaad u dhawdihiin inaad liibaantaane.
  2. Kula dagaallama Jidka Eebbe kuwa idinla dagaallama, hana xadgudbina Eebbe ma jeclee kuwa xadgudbee.
  3. Ku dila meeshaad ka heshaanba, kana bixiya meeshey idin ka bixiyeen, gaalnimaa ka daran dilka, ha kula dagaallamina Masaajidka Xurmaysan agtiisa intay idinkula dagaallamaan dhexdiisa, haddayse idinkula dagaalaan la dagaallama, saasaa abaalka gaalada ahe.
  4. Haddayse reebtoomaan Eebbe waa dhaafid badane naxariis badan.
  5. La dagaallama intaan la helin gaalnimo, oo diintu u ahaan Eebbe, hadday reebtoomaan lalama collaytamo cidaan xadgudbayn.

 

Bishu waa calaamaadka Eebbe lagu aqoonsado, Soonku iyo khayr badan, samo-falna ma aha in guryaha dhabarka looga yimaado sidii jaahiliintii, ee sama-fal waa dhawrsanaan, ee uga imaada guryaha albaabbadooda, Eebbana ka dhawrsada si aad u liibaantaan, kulana dirira Jidka Eebbe kuwa idinkula dirira, hana xadgudbina Eebbe ma jecla kuwa xadgudba, lana dirira meeshaad ka heshaanba, cadawga gaalada, kana bixiya meeshay idinka bixiyeen, gaalnimadaa ka daran dilkee, hana kula dagaallamina Masaajidka Xurmeysan agtiisa intay idinkala dagaallamaan dhexdiisa, haddayse idinkula dagaallamaan la dagaallama, saasaana abaalka gaalada ahe, haddayse joogsadaan Eebbe waa dambi-dhaaf badane naxariis badan. Dagaallama intaan gaalnimo iyo xumaan laga helin dhulka, Diintuna Eebbe u ahaato, hadday joogsadaan waxaan daalim ahayn lalama collaytamo, ruuxii u dagaallama in kalimadda Eebbe (Islaamku) sareeyo un baa Jidka Eebbe ku toosan. Waa Xadiith Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee). Al-Baqarah (189-193)

 

  1. Bisha Xurmaysan [dagaalkeeda] waxaa laga horgayn bisha Xurmaysan, waxyaalaha xurmaysanna qisaas baa ah, ee ciddii idinku xadgudubta ku xadgudba [ku abaal mariya] intuu idinku xadgudbay wax la eg, Eebbana ka dhawrsada, ogaadana in Eebbe la jiro kuwa dhawrsada.
  2. Ku nafaqeeya [ku bixiya wax] Jidka Eebbe, hana ku tuurina gacmihiinna halaag [waxbixin la‘aan] wanaagna fala, Eebbe wuxuu jecel yahay kuwa wanaagga fala.
  3. Dhamaystirana Xajka iyo Cumrada, haddii laydin sharana waxaa idin saaran wixii fududaada oo hadya ah [inaad gawracdaan] hana xiirina madaxiina intay ka gaadhi hadyada meesheeda, ruuxii idinka mid ah oo buko ama dhib madaxa kaga yaallo, waxaa saaran fidyo [furasho] soon ah, ama sadaqo, ama gawrac, markaad aamin noqotaan ruuxii Cumro iyo Xajku ku raaxaysta [kulmiya] waxaa saaran wixii fududaada oo hadya ah [gawrac], ruuxaanse helin ku soon saddex maalmood Xajka iyo toddoba markuu ku noqdo gurigiisii, taasina waa toban buuxda, waase ruuxaan degganayn Masaajidka la Xurmeeyey [Makka], ka dhawrsada Eebbe ogaadana in Eebbe yahay kay daran tahay ciqaabtiisu.

 

Dagaalka xaq darro waqti walba waa reeban yahay bisha xurmada lehna waa kasii daran yahay, hadday gaaladu inala dagaallamaan waa inaan iska celinnaa, ciddii Muslimka ku xadgudubtana waa in la abaalmariyo, iyagoon lagu tacaddiyeyn Eebbana laga dhawrsan, lana ogaan in Eebbe la jiro kuwa dhawrsada, waana in wax la bixiyo oon bakhaylnimo laysku halaagin, Xajka iyo Cumradana si fiican loo guto, haddiise laguu diido intaad xarmatay waxaad gawrici xoolo madaxana lama xiiro inta hadiyado meesheeda ka gaadhi, ruuxiise madaxa boogu dhibi wuu xiiri, oo fidyana samayn, ruuxiise raaxeysta Cumrada iyo Xajka dhexdooda waxaa laga rabaa wixii u fududaada oo hadya ah, hadduusan karinna soon toban bari ah, saddex Xajka dhexdiisa, toddobana markuu noqdo waana ruuxaan Makka dagganayn, waana in Eebbe laga dhawrsado, ciqaabtiisu waa daran tahaye, sharidda la sheegina waa sidii Nabiga iyo asxaabtiisa lagu sameeyey sanadkii lixaad ee Xudeybiyo. Al-Baqarah (194-196)

 

  1. Xajku waa bilo la yaqaan, ee ruuxii gudagala bilahaas Xajka, isutagid, fisqi iyo muran ma jiro Xajka dhexdiisa, waxaad fashaan oo khayr ah wuu ogaan Eebbe, ee sahay qaata, sahay tan u khayr badanna waa dhawrsashada, ee iga dhawrsada kuwa caqliga lahow.
  2. Korkiina wax dhib ah ma aha haddaad dalabtaan fadliga Eebbihiin [ganacsi] ee markaad kasoo gaddoontaan Carrafo ku xusa Eebbe Mashcarul Xaraam agtiisa, una xusa siduu idiin hanuuniyey, waxaadna ahaydeen xaqa hortiis kuwa dhunsan.
  3. Markaas ka gaddooma meesha dadka ka gaddoomi, dambi-dhaafna waydiista Eebbe, Ilaahay waa dambi dhaafe naxariistee.

 

Bilaha Xajka waa Soonfur, Sidataal iyo Tobanka Arafo (DuJ-Xija), ciddii xarmata Xajna waa ka reeban tahay inay xaaskiisa is arkaan (isu-tagid), sidoo kale waa reeban yihin xumaan iyo dambi iyo fisqi, inkastooy xumaantu reeban tahay had iyo jeer haddana way kasii daran tahay waqtiga Xajka, murankuna waa reeban yahay Xajka, waana in la sahay qaato iyadoo la ogyahay in cabsida Eebbe sahay ugu fiican tahay, ceebna ma aha in ganacsi xalaal ah lagu sameeyo Xajka, waana Eebbe in aad loo xusaa, kibirka iyo isla-waynidana layska jiro, waxaana sugnaatay, “Ruuxii xajiya oon tagid iyo fisqi la imaan wuxuu noqdaa isagoo dambi ka ah siday hooyadii ku dhashay.” Waxaa wariyey Muslim iyo Bukhaari. Al-Baqarah (197-199)

 

  1. Markaad gudataan camalkiina xusa Eebbe saad u xustaan aabbayowgiin ama si ka daran u xusa, dadka waxaa ka mid ah kuwo dhihi, “Eebbow na sii adduunka wanaag,” aan kuna lahayn Aakhiro qayb.
  2. Waxaana ka mid ah dadka kuwo dhihi, “Eebbow na sii adduunka wanaag, Aakhirana nasii wanaag, nagana dheeree cadaabka Naarta.”
  3. Kuwaasi waxay mudan qayb waxay kasbadeen, Eebbana waa degdegtaa xisaabtiisu.
  4. Xusa Eebbe maalmo la yaqaanno [iidda Carafo dabadeed], ciddiise dagdagta laba maalmood dhexdood ma saarra dambi korkiisa, ruuxii dib marana ma saarra dambi korkiisa ciddii dhawrsata, ka dhawrsada Eebbe, ogaadana in xaggiisa laydiin soo kulmin.

 

Xusidda Eebbe yaa wax walba ka horreysa kana wanaagsan, waana in Eebbe wanaagga Aakhiro iyo adduunba la waydiistaa een adduun un lagu gaabsan, illeen Eebbaa wax walba xisaabiyee waana in Eebbe aad loo xuso ayaamaha ciiddda Arrafo ka dambeeya. waxaa sugnaatay inuu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ku ducaysan jiray, “Eebbow na sii adduunka wanaag Aakhirana wanaag nagana dhawr cadaabka Naarta.” Al-Baqarah (200-203)

 

  1. Dadka waxaa ka mid ah mid ku yaab galin hadalkiisu noloshan adduun, maragna gashay Eebbe waxa qalbigiisa ku sugan, isagoo dood badan.
  2. Markuu jeedsadana, socda dhulka fasaad darteed iyo inuu halligo beeraha iyo faracaba, Eebbana ma jecla fasaadka.
  3. Marka loo dhoho ka dhawrso Eebbana waxaa qabata isla-weyni dambi dartiis, waxaa ku filan Jahannamo iyadaana u xun gogol.
  4. Dadkana waxaa ka mid ah mid ku gadi naftiisa dalab raalli ahaanshaha Eebbe, Eebbana waa u naxariistaha addoomada.

 

Hadal macaan iyo uur xun oo is khilaafsan waa calaamadaha dadka xun ee fasaad iyo xumaan la socda dhulka, saas oo kale doodda, muran badnida iyo Xaqa iska kibrinta. Waase in lagu dadaalo raalli ahaanshaha Eebbe.

Saciid waxaa laga wariyay, “Kutubta qaarkeed waxaa ku sugan addoomada waxaa kamid ah kuwa carrabkoodu ka macaan yahay malab, qalbigooduna ka khadhaadhyahay dacar, waxay xidheen maryo suuf ka jilicsan, kuna gatay adduunka Diinta. Eebbana wuxuu yidhi, ‘Waynideeydaan ku dhaartee waxaan ku diri fidmo wareerisa.’” Markasuu yidhi Maxamad binu Kacab, “Waxaa laga heli Qur’aanka.” Markaasuu Siciid yidhi, “Xagee?” Wuxuuna akhriyay, “Dadka waxaa kamid ah…” Al-Baqarah (204-207).

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, u gala Islaamka dhammaan [kuna camal fala] hana raacina waddooyinka Shaydaanka, wuxuu idiin yahay col cad e.
  2. Haddaad simbiriiraxataan intuu idiin yimid xujooyin, ogaada in Eebbe yahay adkaade falsan.
  3. Miyey sugi inuu Eebbe u yimaaddo ciqaabtiisa hoos daruura ah mooyee, iyo malaa’igtu lana xukumo amarka, xagga Eebbaana loo celin umuuraha.
  4. Waydii Banii Israa‘iil imisaan siinay aayad cad, ciddii baddasha nicmada Eebbe intay u timid, Eebbe ciqaabtiisu waa ku daran tahay.
  5. Waxaa loo qurxiyey kuwa gaaloobay nolosha dhaw ee adduun, waxayna ku jeesjeesaan kuwa rumeeyey Xaqa, kuwa dhawrsada iyagaana ka sarrayn maalinta Qiyaame, Eebbana wuu arzaaqaa cidduu doono xisaab la‘aan.

 

Waa in dadku wada galo Diinta, kuna dhaqmo dhammaanteed, wadiiqadaha Shaydaankana laga leexdo, haddii la gafana Eebbe waa awoodle, waana kan Qiyaamada kala bixin dadka, xaalkuna u noqon, Banii Israa‘iil waa ogyihiin inta xujo u timid, ciddiise diidda nicmada Eebbe oo baddasha kuna jeesjeesta Xaqa iyo dadkiisa Eebbe wuu ciqaabi, wuxuuna sara marin Xaq-rumeeyaha. Al-Baqarah (208-212)

 

  1. Dadku wuxuu ahaa ummad kaliya, wuxuuna Eebbe u bixiyey Nabiyo u bishaareeya una diga, wuxuuna la soo dajiyey Kitaab Xaq ah, si ay ugu xukumaan dadka dhexdiisa waxay isku khilaafaan, iskumana khilaafin dhexdiisa kuwii la siiyey mooyee intay u yimaadaan xujooyin, xasad dhexdooda ah dartiis, wuxuuna ku hanuuniyey Eebbe waxay isku khilaafeen oo xaq ah idankiisa kuwii rumeeyey, Eebbana waa ku hanuuniyaa cidduu doono Jidkiisa toosan.
  2. Ma waxaad u maleyseen inaad galaysaan Jannada isagoon idiin imaanin wixii u yimid kuwii tegay ee hore oo kale, waxaa taabtay baahi iyo cudur, waana la gilgilay intuu ka dhaho Rasuulku iyo kuwa rumeeyey lana jira, “Waa goorma gargaarka Eebbe?” Gargaarka Eebbana waa dhawyahay.

 

Dadku Xaquu ku kulansanaa intay iska khilaafaan xasad dartiis, wuxuuse Eebbe hanuuniyey kuwa Xaqa rumeeyey. Jannada ciyaar laguma helo iyo imtixaan la’aan. Waxaa sugnaatay in Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Eebbaan ku dhaartee wuu taam yeeli Ilaahay Diintan inta ruuxu ka tago Sancaa oo aado Xadramuut, isagoon ka yaabayn Eebbe mooyee iyo waraabaha adhigiisa, waxaase tihiin qawm degdegi.” Al-Baqarah (213-214)

 

  1. Waxay ku warsan maxay bixiyaan, waxaad dhahdaa waxaad bixisaan oo khayr ah waxaa mudan labada waalid, qaraabada, agoonta, masaakiinta iyo socdaha. Waxaad fashaanna oo khayr ah Eebbe waa ogyahay.
  2. Waxaa laydinku waajibiyey dagaal idinkoo neceb, waxaa laga yaabaa inaad nacdaan wax, isagoo khayr idiin ah, waxaana laga yaabaa inaad jeclaataan wax isagoo shar idiin ah, Eebbaa wax og idinkuse ma ogidin.

 

Waa in wax la sadaqaysto waxna la baxsadaa dadkana loo naxariisto gaar ahaan labada waalid, qaraabada, agoonta, masaakiinta iyo dadka musaafurka ah, Diinta Islaamkuna waa Diin naxariis iyo xidhiidhin, waana inay saas gartaan Muslimiintu kuna dhaqmaan, tan kale waxaa lagu waajib yeelay Muslimiinta inay Jidka Eebbe ku dagaallamaan, maxaa yeeley waxaa loo baahan yahay caddaalad, nabadgalyo, sinnaan iyo barwaaqo kuwada noolaansho, intaasna waxaa laga helaa Diinta Islaamka sida ka muuqatay socodka taariikhda, saas darteed ciddii ka hortimaadda socodkaas waa in laga leexiyo, tanse la dhaho Jahaadku ma is-daafac baa mise waa weerar waa ruuxaan garanin macnaha Jahaad, Jahaadkuna waa ka guda wayn yahay dagaal, oo waxaaba jira Jahaad aan dagaal ahayn, waana arrin cadawga Islaamku keeneen, Muslimiintuna qaarkeed si niyad sami ah ugu kala jabeen iyagoo fili inay Diinta daafici Jahaadkuse waa ka waasacsan yahay difaac iyo weerar, halkanna kuma faahfaahin karro. Al-Baqarah (215-216)

 

  1. Waxay ku warsan dagaalka bisha xurmaysan [Rajab iyo wax la mid ah], waxaad dhahdaa dagaalku dhexdiisa waa wayn yahay, ka celinta Jidka Eebbe iyo ka gaalowgiisa iyo Masaajidka Xurmeysan iyo ka bixinta ehelkiisa yaase kaga wayn Eebbe agtiisa, gaalaynta dadka yaana ka wayn dilka, kama tagaan gaaladu inay idinla dagaallamaan intay idinka celiyaan Diintiinna hadday karaan, ruuxii ka riddooba Diintiisa oo dhinta isagoo gaal ah kuwaasi waa kuwa buray camalkoodu adduun iyo aakhiraba, kuwaasina waa Naarta ehelkeeda, wayna ku waari dhexdeeda.
  2. Kuwa rumeeyey Xaqa iyo kuwii hijrooday ee ku jahaaday Jidka Eebbe kuwaasi waxay rajayn naxariista Eebbe, Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.

 

Diinta Islaamku ma aha Diin dagaal iyo dhiig daadis, hase yeeshee ma aha Diin dulli iyo xadgudub iyo gardarro qaadan iyo in lagu soo duulo xeradeeda, illeen waa dullowday ummad loogu soo duulay gurigeedee, tan kale gaalnimada yaa ka weyn bilaha xurmada leh oo la dagaallamo, gaalana ma dayso Muslim intay ka gaalayso hadday karaan, waana cid khasaartay oo ehlu-Naar ah cid gaalnimo ku dhimatay (Eebaa laga magangalaye), waxaase khayr iyo naxariis rajayn kuwa Xaqa rumeeya ee xumaanta ka fogaada Jidka Eebbana ku jahaada. Al-Baqarah (217-218)

 

  1. Waxay ku waydiin khamrada iyo qamaarka, waxaad dhahdaa waxaa ku sugan dhexdooda dambi weyn, iyo wax nafci ah, dambigooda yaana ka weyn nafcigooda, waxayna ku waydiin maxay bixiyaan, waxaad dhahdaa [bixiya] saa‘idka, saasuuna Eebbe idinku caddayn aayadihiisa waxaadna mudan tihiin inaad fikirtaan.
  2. Adduun iyo aakhiraba [inaad ka fikirtaan], waxayna ku waydiin agoonta, waxaad dhahdaa wanaajintooda yaa khayr badan, haddaad dheehdaana waa walaalihiin, Eebbana waa ogyahay cidda wax fasaadin iyo kan hagaajin, hadduu doono Eebbana wuu idin dhibi lahaa, Eebbana waa adkaade falsan.

 

Khamradu waa wax xun siduu garan ruuxii caqli leh, maxaa yeelay waxay ka qaaddaa ruuxa garaadka oo dadku kaga duwan yahay xoolaha, Diinta Islaamkuna waa reebtay cabbiddeeda inkastoo tartiib tartiib loo xaaraam yeeley, sidoo kale waxaa xaaraan ah qamaarka oo ah cunid xaq darro ee xoolo dad kale taasina kuma bannaana Diinta Islaamka waana in la fikiraa oo wax la gartaa, lana sadaqaysto gaar ahaan dheeraadka, laguna dadaalo dhaqaalaynta agoonta haddaad dheehdanna dhib kuma jiro, isagoo Eebbe kala ogyahay kan wax hagaajin iyo kan fasaadin. Al-Baqarah (219-220)

 

  1. Ha guursanina haweenka mushrikaadka ah, intay ka rumeeyaan, addoon rumaysan Xaqa yaa ka khayr roon mid mushrikad ah [Eebbe la wadaajisay cibaada] haba idin yaab galiso, hana u guurinina ragga mushrikiinta ah intay ka rumeyn, addoon rumeeyey Xaqa yaa ka khayr badan mid mushrik ah haba idin yaab galiyee, kuwaasu waxay idiin ku yeedhi Naarta, Eebbana wuxuu idiin ku yeedhi Janno iyo dambi-dhaaf idinkiisa, wuxuuna u caddayn aayaadkiisa dadka si ay u xusuustaan.
  2. Waxay ku waydiin caadada [haweenka], dheh waa dhib [wasakh] ee ka fogaada meesha caadada, hana u dhawaanina intay ka daahir noqon, markay daahir noqdaan uga taga meeshuu idin faray Eebbe, Ilaahayna wuxuu jecel yahay kuwa tawbada badan, wuxuuna jecel yahay kuwa is-daahiriya.
  3. Haweenkiinnu beer bay idiin yihiin ee ugu taga beertiinna saad doontaan [oo bannaan], una hor marsada naftiinna [wanaag], Eebbana ka dhawrsada, ogaadana inaad la kulmaysaan Eebbe una bishaaree mu’miniinta.

 

Gaaladaan Kitaab lahayn waxaa xaaraan ah in lays guursado, gaaloo dhanna waa ka reeban tahay haweenay Muslim ah. Haweenkana waa inaan loo tagin waqtiga caadada, illeen waa xaaraane, waxaase xalaal ah meesha Eebbe xalaaleeyey markay daahir noqdaan. Haweenkuna waa beer oo kale, waana in looga tago meesha Eebbe banneeyey. Wanaag iyo khayrna la hormarsado lana ogaado in Eebbe lala kulmi, lagana dhawrsada, loona bishaareeyo mu‘miniinta. Al-Baqarah (221-223)

 

  1. Ha uga yeelina Eebbe kabdhood dhaartiinna adinkoon samo-falayn oo dhawrsanayn, oo hagaajineyn dadka dhexdiisa, Eebbena waa maqle wax og.
  2. Idiin ma qabanayo Eebbe dhaar qasad la‘aaneed, wuxuuse idiin qaban waxay kasbatay quluubtiinnu, Eebbana waa dambi dhaafe dul badan.
  3. Kuwa ka dhaarta haweenkooda [tan iyo muddo] waxaa la sugi afar bilood, hadday ka noqdaanna Eebbe waa dambi dhaafe naxariista.
  4. Hadday goostaan furidna Eebbe waa maqle oge ah.
  5. Haweenka la furayna waxay sugi naftoodu saddex daahir, mana u bannaana inay qariyaan waxa Eebbe ku abuuray makaankooda hadday yihiin kuwo rumeeyey Eebbe iyo maalinta dambe. Raggoodaana ku xaq badan soo celintooda, arrintaas [cidadaas dhexdeeda] hadday doonaan wanaag. Haweenkuna waxay leeyihiin wax la mid ah waxa korkooda ah si fiican, raggase waxaa ugu sugnaa korkooda darajo [dheeraad], Eebbana waa adkaade falsan.

 

Ma habboona in Eebbe si fudud loogu dhaarto had iyo jeer iyo inaan wanaag la falin, dhaartiise carrabku xado Eebbe uma qabto, waxaase laysu qaban tan la niyoodo, kuwa ku dhaarta inay taabanayn haweenkooda waxaa la sugi afar bilood, hadday oofiyaan waa wanaag, haddii kale waa inuu furo. Haweenka la furana waxay tirsan saddex daahirnimo iyagoon qarinayn waxa uurkooda ku jira, wayna isku xaq leeyihiin labada dhinac inkastoo tan raggu badan tahay. Al-Baqarah (224-228)

 

  1. Furiddu waa labo jeer, intaas kadib ama waa haysasho fiican, ama sii dayn fiican, mana bannaana inaad ka qaadataan waxaad siiseen wax, inay ka cabsadaan inayan oogin xuduudda Eebbe mooyee, haddaad ka cabsataan inayan oogin xuduudda Eebbe wax dhib ah ma saarro korkooda waxay isku furato, taasi waa xuduudda Eebbe ee ha tallaabina, ruuxii tallaaba xuduudda Eebbe kuwaasi waa daalimiinta.
  2. Hadduu furo uma bannaana kadib intay ka guursato nin kale, hadduu [kaasi] furana dhib ma saarra hadday is ceshadaan [is-guursadaan] hadday u malayn inay oogi xuduudda Eebbe, taasi waa xuduudda Eebbe wuxuuna u caddayn ciddii wax og.

 

Guurka waxaa looga dan leeyahay in lagu dhiso guri fiican oo ka abuurmo qoys wanaagsan, Islaamkuna ma jecla in la dumiyo gurigaas, saas darteed yuu furitaanku u noqday wax Eebbe u cadhoodo, ha yeeshee hadduu noqdo lagama maarmaan waa in si quruxsan laysu furaa, xoolo xaq darrana la kala cunin, waxaana roon inuusan is-raacinin dalaaqaha, waxaa laga yaabaa in wax dib kasoo cusboonaadee, inay haweenaydu xoolo ku gadato dalaaqdana waa bannaan tahay, mar hadday dalaaqdoo dhan ku kala tagaanna ma bannaana inay isa soo ceshadaan haddaan nin kale guursan oosan furin, kaasoon maxlal ahayn. Anas binu Maalik waxaa laga wariyey inuu yidhi, “Nin baa u yimid Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuuna yidhi, ‘Rasuulka Eebbow, wuxuu sheegay Eebbe furidda laba jeer ee aaway tii saddexaad?’ Wuxuuna yidhi, ‘Haysasho fiican ama siidayn fiican.’” Al-Baqarah (229-230)

 

  1. Haddaad furtaan haweenka oy gaadhaan muddadooda u haysta si fiican ama u siidaaya si fiican, hana u haysanina inaad dhibtaan si aad u xadgudubtaan, ruuxii fala sidaas wuxuu dulmiyey naftiisa, ee ha ka yeelina aayaadka Eebbe jeesjees, xusuustana nicmada Eebbe ee korkiinna, iyo wuxuu ku dejiyey korkiina oo Kitaab iyo xikmad ah [Sunnada], wuu idinku wacdoon Eebbe Qur’aanka, ee ka dhawrsada Eebbe, ogaadana in Eebbe wax kasta ogyahay.
  2. Haddaad furtaan haweenka oo ay gaadhaan muddadooda ha u diidina inay guursadaan nimankooda hadday raalli isu noqdaan si fiican, arrintaasu waa mid la idinku waanin ciddii idinka mid ah oo rumayn Eebbe iyo maalinta dambe, saasaana idiin wanaagsan oo idiin nadiifsan, Eebbana waa ogyahay idinkuna ma ogidin.

 

Xaq ma aha mana habboona in haweenka la dhibo, waa in si fiican laysu qabaa ama si fiican loo kala tago, mase bannaana in loo xajisto si loo dhibo, saasina waa tacaddi iyo gardarro iyo ku ciyaarid aayadaha Eebbe, waana inaan la halmaamin nicmada Eebbe oo ah Qur’aanka iyo Sunnada Nabiga, waana in xumaanta laga dhawrsado, mar hadday laba ruux is furaanna ma habboona in la cidhiidhiyo haweeneyda loona diido inay guursato ninkay isku raalli noqdaan, waxaana arrintaas loo sheegi ciddii xaqa rumeysay, Eebbe iyo Qiyaamada. Al-Baqarah (231-232)

 

  1. Waalidaadka [hooyooyinku] waxay nuujin carruurtooda labo sano oo dhammaystiran, ciddii doonta inay taam yeesho nuugidda, kan wax loo dhalayna waxaa saaran cunnadooda iyo arradbaxooda si fiican, laguma dhibo naf waxayna awoodin, laguma dhibo hooyo ilmaheeda dartiis, [lamana dhibo] aabbo ilmihiisa dartiis, kan wax dhaxlaya waxaa saaran taasoo kale, hadday doonaan gudhin iyagoo raalli ah iyo wadatashi dhib ma saarra korkooda, haddaad doontaan inaad ka nuujin dalabtaan carruurtiinna [haweeney kale] dhib korkiinna ma saarra haddaad u dhiibtaan waxaad bixinaysaan si fiican, ka dhawrsada Eebbe, ogaadana in waxaad camal falaysaan Eebbe arko.

 

Nuujinta Ilmaha waa arrin muhiim ah oo loo baahan yahay inay hooyadu fasho hadduusan jirin wax garowsha ah, aabbahana waxaa saaran masruufka iyo arradbaxa hooyada, iyadoo Eebbe cidna ku mashaqaynin wuxuusan karin, mar kastooy isku oggolaadaan in la gudhiyana waxba kuma jabna haddaan hooyo, aabbe iyo ilmaha midna lagu dhibayn, hadday cid kale nuujiso dhib ma leh haddii si fiican xuquuqda laysu siiyo, iyadoo Eebbe laga dhawrsan, lana ogyahay in Eebbe arko waxa la fali. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yiri, “Wax ma xaaraan yeesho nuugitaan labo sano dhexdeed ahayn.” Al-Baqarah (233)

 

  1. Kuwa la oofsado [dhinto] oo idin kamid ah oo ka taga haween waxay sugi [ciddo] naftoodu afar bilood iyo toban bari, markay gaadhaan muddadoodana wax dhib ah idinkama saarra waxay ku falaan naftooda si fiican, Eebbana waxaad falaysaan waa ogyahay.
  2. Dhib [dambi] korkiinna ma aha waxaad sarbeebtaan oo hadal haween ah [doonid] ama aad ku qarisaan naftiinna, Eebbe waa ogyahay inaad sheegaysaan haweenkaas, laakiin hawgu yaboohina qarsoodi inaad dhahaysaan hadal fiican mooyee, ha goynin [ha u qasdina] xidhidda guurka intuu ka gaadho kitaabku [ciddadu] waqtigooda, ogaadana in Eebbe ogyahay waxa naftiinna ku sugan ee ka digtoonaada, ogaadana in Eebbe dambi dhaafe dulsan yahay.
  3. Dhib ma saarro korkiinna haddaad haweenka furtaan idinkoon taaban ama u qadarin meher, ugu deeqa kii hodona qaddarkiisa, kan cidhiidhyanna qaddarkiisa, waa raaxayn wanaag ah oo xaq ku ah kuwa dhawrsada.

 

Waxaa Eebbe jideeyey in haweenka laga dhinto sugaan muddo ah afar bilood iyo toban bari, markay muddadaas dhammeystaanna waxba korkooda ma aha hadday guursadaan si wanaagsan, muddadaas ay ciddada ku jirtona ma habboona in guur loo caddeeyo si dul mar ah mooye, mana aha in guurkooda la goosto intay muddadu ka dhammaan, tan kale haddii la furo haweenay aan la taaban meherna loo sheegin wax meher ah ma waajibayo, wuxuuse bixin mutco gacan maris uun iyo awoodiis, waana arrin xaq ah, waxaana sugnaaday, “Inayna bannaanayn inay haweeney Xaqa rumeysan isu basaasiso qof saddex maalmood wax ka badan, ninkeeda oy afar bilood iyo toban bari u tirsan mooyee.” Al-Baqarah (234-236)

 

  1. Haddaad furtaan haweennka taabasho ka hor idinkoo wax [meher ah] u qaddaray waxay mudan kala badhka waxaad qaddarteen, inay cafiyaan mooyee ama uu cafiyo midka gacantiisu xidhidda nikaaxu ku jiro [waa ninka ama waliga], haddaad iska cafisaan yaa u dhowse dhawrsashada, hana halmaamina fadliga [dheeraadka] dhexdiina ah, Eebbana waxaad camal falaysaan wuu arkaa.
  2. Xifdiya [ilaaliya] salaadaha iyo salaadda dhexe [sharafta badan, Casarka] una istaaga dar Eebbe idinkoo adeeci [khushuuci].
  3. Haddaad cabsataan, tukada idinkoo lug ah ama saaran gaadiid, markaad aamin noqotaan xusa Eebbe siduu idiin baray wax aydaan aqoonin [caadi u tukada].

 

Haddii la furo haweeney aan la taabanin meherna loo sheegay waxay mudan meherka nuskiis. inay cafido ama ninku cafiyo inta kale ama waaligeedu cafiyo mooyee. Inaan wanaagga la halmaamin yaana khayrku ku jiraa, ileen Eebbe waa wax walba arkee. Tan kale waa in Eebbe lagu xidhnaado, saladdana la ilaaliyo gaar ahaan salaadda Casar, Eebbana si dhab ah loo adeeco. Haaddii cabsi iyo dagaal jirana waxaa loo tukan sidii fududaata, marka la aamin noqdana waxaa loo tukan si caadi ah. Waxaa sugnaatay in Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yidhi, “Maalintii (godka) waxay naga shuqliyeen salaaddii dhexe (sharafta lahayd) Casarka, Eebbe ha ka buuxiyo quluubtooda iyo guryohooda Naar.” Wuxuuna tukaday Maqribka iyo Cishaha dhexdooda. Waxaa wariyay Bukhaari iyo Muslin iyo kuwa kale. Al-Baqarah (237-239)

  1. Kuwa la oofsado [dhinto] idin kamid ah kana taga haween dardaaranka haweenkoodu waa u raaxayn tan iyo sano iyagoon la bixinayn, haddayse baxaan dhib [dambi] ma saarra korkiinna waxay ku falaan naftooda oo wanaag ah, Eebbana waa adkaade falsan.
  2. Kuwa la furo waxaa u sugnaaday gacan maris [mataac] si fiican, waxayna ku tahay xaq kuwa dhawrsada.
  3. Saasuuna Eebbe idiinku caddayn aayaadkiisa inaad kastaan darteed.
  4. Ka warran [warkoodu ma kusoo gaadhay] kuwii ka baxay guryahooda iyagoo kumaan ah digtooni geeri darteed, markaas ku yidhi Eebbe dhinta, soona nooleeyey, Eebbana waa saaxibul fadli [dheeraad] dadka korkiisa, dadka badankiisuse kuma mahdiyaan.
  5. Ku dirira Jidka Eebbe, ogaadana in Eebbe maqli oo ogyahay.
  6. Waa kuma kan amaah fiican gashan Eebbe, oo uu u labanlaabo, labanlaab badan, Eebbana wuu ku cidhiidhiyaa rizqiga oo u waasiciyaa [cidduu doono], xaggiisaana loo celiyaa dadka.

 

Haweenka laga dhinto waa in loo naxariisto, gurigana laga bixinin, tan iyo sano, intaas ka dibna siday rabaan oo wanaag ah hadday falaan xumaan ma leh, sidoo kale tan la furo waa in la gacan mariyo, illeen way barakaceene. Geeri laga cararana wax ma tarto, Eebbana wax walba waa awoodaa, ee waa in jidka Eebbe lagu jahaadaa, sadaqo iyo wanaagna la hormarsadaa si Eebbe laablaab iyo wanaag inoogu abaal mariyo, illeen Eebbaa wax u quudiya cid walba siduu doonee, waxayna ku tusin isu naxariisashada iyo Eebbe ku xidhnaanta wanaaggeeda. Al-Baqarah (240-245)

 

  1. Ka warran [warkoodu ma ku soo gaadhay] madaxdii Banii Israa‘iil Muuse ka dib markay ku dheheen Nabigoodii, “Noo soo bixi malik [xaakim] oon ku dagaallanno Jidka Eebbe,” wuxuuna yidhi, “Armaad mudan tihiin haddii laydinku faral yeelo dagaalka inaydaan dagaallamin?” Waxayna dheheen, “Maxaanaan ugu dagaallamayn Jidka Eebbe isagoo nalaga bixiyey guryahannagii iyo carruurtannadii [wiilashannadii]?” Markii lagu faral yeelay korkooda dagaalkii wey jeedsadeen, in yar oo kamid ah mooyee, Eebbana waa ogyahay daalimiinta.
  2. Wuxuuna ku yidhi Nabigoodii, “Eebbe wuxuu idiinku bixiyey Daaluut malik [xaakim].” Waxayna dheheen, “Sidee ugu ahaan xukun korkannaga annagoo ka mudan xukunka, aan lana siinin xoolo waasac ah [badan]?” Wuxuuna yidhi [Nabigii], “Eebbe wuu u doortay korkiinna wuxuuna u siyaadiyey waasacnimo cilmi iyo jidh [xoog], Eebbana wuxuu siiyaa xukunkiisa cidduu doono, Eebbana waa deeq-badane og.”

 

Waxay caddayn aayadda hore lagama maarmaanimada in si isku duuban loo dagaallamo iyo hoggaan toosan oo isku mid ah, waana waajib marka lagu dulmiyo oo guryahaaga iyo carruurtaada lagaa eryo, mana bannaana cabsidu markaasoo kale. Tan kale ciddii toosan oo cilmina leh caafimaadna qabta yaa mudan inay wax hoggaamiso ee shardi ma aha inuu xoolo badan yahay siday maleeyeen dadka qaarkiis, xaalkuse waa akhlaaq iyo Eebbe u-dhawaansho. Al-Baqarah (246-247)

 

  1. Nabigoodii wuxuu ku yidhi, “Calaamadda xukunkiisu waa inay u timaaddo Taabuud [sanduuq] oy ku jirto xasilloonida Eebbihiin iyo wax kasoo hadhay waxay ka tageen ehelkii Muuse iyo ehelkii Haaruun oo malaa’igtu xambaari arrintaasna calaamaa idiinku sugan haddaad tihiin mu‘miniin.”
  2. Markuu la baxay Daaluut askartii wuxuu yidhi, “Eebbe wuxuu idinku imtixaani wabi, ee ciddii ka cabta iga mid ma aha, ruuxaan wax ka dhadhaminna waa iga mid, ruux ku qaata gacanta qaadasho mooyee.” Waxayna ka cabbeen xaggiisa wax yar mooyee. Markuu tallaabay isaga colkii rumeeyay la jiray, waxay dhaheen, “Awood uma lihin maanta Jaaluud iyo colkiisa.” Waxayna dhaheen kuwii yaqiinsanaa inay la kulmi Eebbe, “Badanaa intay koox yari ka adkaatay koox badan idinka Eebbe, ilaahayna wuxuu la jiraa kuwa samra.”

 

Aayadahan iyo kuwii ka horreeyeyba waxay ka warrami xaalkii Banii Israa‘iil Muuse kadib, iyo qisadii Daaluut oo hoggaaminayey iyo Jaaluud oo col gaalo ahaa watay, waxaana calaamadda wanaaggiisa ka mid ahaa in Eebbe u soo celiyey sanduuq malaa‘igo xambaarsan tahay oy ku sugan tahay wax kasoo hadhay Muuse iyo Haaruun, wuxuuna Daaluut u caddeeyey colka in biyo lagu imtixaani ciddii cabtana ayna kamid ahayn, kan cabbinna kamid yahay, intii badnaydna cabtay oo khilaaftay amarkii, waxayna ku calaacaleen inayn awood u lahayn Jaaluud iyo colkiisa, kuwiise xaqa rumeeyey waxay dheheen, “Imisaa cid yari mid badan ka adkaaday idanka Eebbe.” Al-Baqarah (248-249)

 

  1. Markay u soo muuqdeen Jaaluud iyo colkiisii waxay dhaheen mu’miniintii Eebbow ku shub korkannaga samir, sugna gomadahannaga, noogana gargaar qawmka gaalada ah.
  2. Markaasay [mu’miniintii] jabiyeen gaaladii idinka Eebbe, wuuna dilay Daawuud Jaaluud, wuxuuna siiyey Eebbe Daawuud xukun iyo xikmo [nabinnimo iyo cilmi] wuxuuna baray wuxuu doono, hadayan jirin ku reebidda Eebbe dadka qaarkood qaarka [kale], waxaa fasaadi lahaa dhulka, hasa yeeshee Eebbe waa fadli u saaxiib [u deeqe] caalamka.
  3. Taasi waa aayaadka Eebbe waana kugu akhriyaynaa si xaq ah. Adiguna waxaad kamid tahay kuwa la soo diray [Rasuullada].
  4. Kuwaasu waa Rasuulladii, waana ka fadilnaa qaarkood qaarka [kale], waxaa ka mid ah kuwo la hadlay Eebbe, wuuna koryeelay qaarkood darajooyin, waxaana siinnay Ciise binu Maryama xujooyin, waxaana ku xoojinnay Ruuxdii daahirka ahayd [Malaku Jibriil]. Hadduu Eebbe doono isma laayeen kuwii ka dambeeyay intay u timid xujooyin kadib, laakiin way is khilaafeen, waxaa kamid ah mid rumeeyay [xaqa], waxaana kamid ah mid ka gaaloobay. Hadduu Eebbe doonana isma laayeen, laakiin Eebbe wuxuu falaa wuxuu doono.

 

Waxay ku tusin aayaddu sugnaanshaha mu’miniinta iyo sida Eebbe ugu gargaaray, Nabi Daawuudna u sharrifay una dilay Jaaluud, xikmada Eebbana waxaa ka mid ah in qaarkood qaar lagu celiyo, Rasuullada Eebbana qaar baa qaar ka fadilan, sida Nabiga Muxamed iyo Nabi Muuse iyo Nabi Ciise. Al-Baqarah (250-253)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, nafaqeeya [bixiya] waxaan idinku arzuqnay qaarkood ka hor imaatin maalin [Qiyaamada] oon gadasho jirin iyo saaxiibtinimo iyo shafeeco [midna], gaaladuna iyaga un baa daalimiin ah.
  2. Eebbe ilaah [xaq lagu caabudo] aan isaga ahayn ma jiro, waana Eebaha Nool, khalqigana maamula, ma qabato lulmo iyo hurdo [midna], wuxuuna iska leeyahay waxa samooyinka ku sugan iyo dhulka. Waa kuma kan ka shafeeci agtiisa [Eebe] idankiisa mooyee? Wuxuu ogyahay [Eebe] waxa dadka hortooda ah iyo waxa ka dambeeya mana koobaan wax cilmigiisa ah, wuxuu Eebbe doono mooyee, wuuna u waasac noqday kursigiisu samaawaadka iyo dhulka, mana cusleeyo ilaalinteedu, Eebbana waa sarreeye wayn.

 

Aayadda hore waxay sugi inay habboon tahay in wax wanaagsan la hormarsado Qiyaame ka hor, maxaa yeelay waa maalin aan ganacsi iyo saaxiibtinimo iyo shafeeco midna jirin cid Eebbe shafeeco u idmo mooyee, gaalana iyaga un baa daalimiin ah. Tan kale aayadda dambe waxaa la dhahaa Aayatul Kursi, waxayna ka mid tahay aayadaha Qur’aanka u weyn, waxaana fadligeeda ku soo arooray Xadiithyo badan, waxaana ka mid ah: In Nabigu warsaday Ubayi binu Kacab, “Aayaddee u weyn Qur’aanka?” oo uu yidhi, “Eebbe iyo Rasuulkiisaa og,” markuu ku celceliyeyna uu yidhi, “Aayatul Kursi.” Markaas Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yidhi, “Ha kuu shifoobo cilmigu Abaa Mundirow!” Waxaa wariyey Imaam Axmed. Waxayna kulansatay aayaddu toban arrimood oo muhiim ah oos garan ciddii aad u fiirisa oo fahmida. Al-Baqarah (254-255)

 

  1. Ikraah [qasab] ma aha Diinta galiddeedu, hanuunku [iimaanku] waa ka caddaaday [soocan yahay] baadida [gaalnimada] ruuxiise diida daaquut [shayaadiinta iyo xuma-fare wixii ah] oo rumeeya Eebbe wuxuu qabsaday xadhig [guntay] sugan oo adag [Islaamka] oon go‘ayn, Eebbana waa maqle og.
  2. Eebba waa u gargaaraha kuwa rumeeyey [xaqa], wuxuuna ka bixiyaa mugdiga [gaalnimada] una bixiyaa Nuurka [iimaanka], kuwa gaaloobayna gargaarahoodu waa daaquut [xumaan-fare] wuxuuna ka bixiyaa Nuurka una bixiyaa mugdiga [gaalnimada] kuwaasina waa ehelka Naarta wayna ku waari dhexdeeda.
  3. Ka warran [warkiisu ma kusoo gaadhay] kii kula murmay [Nabi] Ibraahiim Eebbihiis [waa Namruud] in Eebbe siiyey xukun markuu [Nabi] Ibraahiim yidhi, “Eebbahay waa Nooleeye Dile,” markaa yidhi [gaalkii], “Anba waan nooleeyaa oon dilaa,” markaas [Nabi] Ibraahiim yidhi, “Eebbe wuxuu ka keeni qorraxda Bari ee ka keen Galbeed,” markaasaa la wareeriyey [oo aamusay] kii gaaloobay, Eebbana ma hanuuniyo qawm daalimiin ah.

 

Cidna xoog iyo qasab Diinta qalbigiisa laguma galiyo illeen Xaqu waa cad yahaye, ruuxiise raaca Diinta Islaamka ee Xaqa ah wuxuu qabsaday xadhig adag oon go‘ayn, Eebbana waa gargaaraha mu‘miniinta hanuuniyana, Shaydaanna waa gargaaraha gaalada, sida Namruudkii la dooday Nabi Ibraahiim markuu kibray oo isla weynaaday sheegtayna awood markii dambase ceeboobay oo wareerey oo hadli waayey, saasina waa caadada gaalada iyo xumaan-farayaasha, wax nooleys iyo dilse ma aha wuxuu sheegtay oo ah inuu labo nin midna gawraco midna siidaayo, ciddii awood ku faanta wax haka baddasho xukunka Eebbe iyo khalqigiisa, mana jirto. Al-Baqarah (256-258)

 

  1. Ka warran kii maray magaalo iyadoo la duntay darbigeedii [oo cidla ah] markaas yidhi, “Sidee Eebbe u nooleyn middaan dhimasho [kharaab] kadib?” Markaasaa Eebbe dilay boqol sano [qadarkeed] markaasuu soo bixiyey wuxuuna ku yidhi, “Imisaad nagaatay adigoo mayd ah?” uuna yidhi, “Waxaan nagaaday maalin ama maalin qaarkeed,” uu kuna yidhi [Eebbe], “Waxaad nagaatay boqol sano; ee day cuntadaada iyo cabiddaada oon doorsoomin, day dameerkaaga waxaan kaaga yeeleynaa calaamo dadka, day lafaha sidaan u soo koryeeleyno [u nooleyn] una huwinayno hilib.” Markuu u caddaaday xaalku wuxuu yidhi, “Waxaan ogahay in Eebbe wax walba karo.”

 

Waxaa la wariyey in nin la dhihi jirey Cuzayr uu maray magaalada Baytul Maqdis oo la kharribay, markaas yidhi sidee Eebbe u noolayn kharaab kadib, markaas Eebbe dilay soona nooleeyey muddo kadib, tusayna qudrada Eebbe iyo siduu wax u nooleeyo, awoodda Eebbana ma aha wax la shakiyo ama la fogeysto, cidda Xaqa rumeysana waxaa looga baahan yahay u hoggaansanka Eebbe kor iyo hoosba illeen waa wax walba karee. Al-Baqarah (259)

 

  1. Xusuuso markuu yidhi [Nabi] Ibraahiim, “Eebbow i tusi sidaad u nooleyso waxa dhinta,” uuna yidhi, “Miyaadan rumeynin [xaqa]?” oo uu yidhi, “Waan rumeeyey laakiin [waxaan doonay] inuu xasilo qalbigaygu,” markaas [Eebbe] yidhi, “Qaad afar shimbirood una iil xaggaaga [jarjar] kadibna yeel buur kasta qayb ka mid ah, markaas u yeedh way kuu imaan iyagoo ordi, ogowna in Eebbe adkaade falsan yahay.”
  2. Kuwa ku bixiya xoolahooda Jidka Eebbe waxay la mid yihiin xabbad [masago ah] oo bixisay toddobo sabuul, sabuul kastana bixiyey boqol xabbo, Eebbe waa u laablaabaa [ajirka] cidduu doono Eebbana waa deeq-badane og.

 

Nabi Ibraahiim wuu rumeysnaa awoodda Eebbe, wuxuuse u warsaday xaalkaas in iimaanku u sii kordho, mase aha shaki siduu Nabiguba yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee], “Annagaa ka mudan shaki (Nabi) Ibraahiim markuu yidhi ‘Eebow i tus saad wax u nooleyso.’” Bukhaari iyo Muslim. Tan kale cidda wax wanaagsan hor marsata Eebbe wuu u laablaabi ajirka sida xabbad masago ah oo dhulka lagu riday oo soo bixisa sabuullo badan, waxaana Xadiith ku sugnaaday, “Ciddii ku baxsata nafaqo dheeraad ah Jidka Eebbe waxaa loo laablaabi ilaa toddobo boqol oo jeer.” Ibnu Cabbaasna wuxuu yidhi, “Jahaadka iyo Xajku waxay dirhamka u laablaabaan ilaa toddobo boqol oo jeer.” Al-Baqarah (260-261)

 

  1. Kuwa ku bixiya xoolahooda Jidka Eebbe markaasna raacinin waxay bixiyeen manno iyo dhib waxay ku mudan ajrigooda Eebbahood agtiisa, cabsina korkooda ma ahaato, mana murugoon.
  2. Hadal wanaagsan iyo dhaafid [saamaxaad] yaa ka khayr badan sadaqo uu raaco dhib. Eebbana waa hodan dul badan.
  3. Kuwa Xaqa remeeyow, ha ku burinina sadaqadiina manno iyo dhib sida kan u bixiya xoolihiisa is-tuska dadka, aan rumeynin Eebbe iyo maalinta Aakhiro, wuxuuna la mid yahay sida sallax korkiisa carro tahay oo roob badan heley oo ka tagtay isagoo sibibiq ah [madhan], ma karaan kuwaasu wax ka mid ah waxay kasbadeen [ajri kama helaan] Eebbana ma hanuuniyo qawm gaalo ah.

 

Wax bixinta iyo sadaqadu waa waxyaalaha waaweyn ee Diinta Islaamku fartay, hasa yeeshee waa inaan sheegsheeg iyo ku-maneysi la raacinin, sadaqaduna mar hadday tahay dar Eebbe oo is-tustus iyo dhib loo bixinin abaalkeedu waa cabsi iyo murugo la‘aan, haddaadan wax bixineyninna waxaa wanaagsan hadal fiican, is-tustusna cidhibtiisu waa wax la‘aan, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ma galo Jannada caaqa (caasiga waalidka) iyo ka wax ku manaysta (dadka) iyo khamri-sameeye, iyo beeniyaha Qaddarka (Eebbe).” Waxaa wariyey Imaam Axmed. Al-Baqarah (262-264)

 

  1. Kuwa ku bixiya xoolahooda doonidda raalli ahaanshaha Eebbe iyo yaqiinsi naftooda [khayrka] waxay la mid yihiin beer ku taal meel sare oo helay roob badan, oo markaas keentay cunnadeedii labanlaab hadduusan roob badan helinna uu helo roob yar [shuux], Eebbana waxaad camal falaysaan wuu arkaa.
  2. Ma jecel yahay midkiin inay u ahaato beer timir iyo canabyo ah oy dareeri dhexdeeda wabiyaal oos ku leeyahay dhexdeeda wax kastoo midho ah ayna hayso dacfi weyni uuna leeyahay carruur tabar yar oo markaas beertii asiibto [ku dhacdo] dabayl daran oo dab wadata oo gubatay beertii? Saasuu Eebbe idiinku caddeeyaa aayaadkiisa si aad u fikirtaan.

 

Dar Eebbe oo wax loo bixiyo waxay labanlaabtaa camalka ajrigiisa, is-tustuska iyo niyo xumiduna waxay gubtaa camalka sida beerta aayaddu tilmaantay iyo siduu ugu baahan yahay ninkii lahaa, waxaana sugnaatay in macnaha aayaaddan Cumar warsaday asxaabtii oy dhaheen Eebbaa og, oos cadhooday yidhina, “Dhaha ma naqaan ama waan naqaannaa,” markaas Ibnu Cabbaas yidhi, “Waa ruux camal fiican falay oo Shaydaan duufsaday.” Waxaa wariyey Bukhaari. Al-Baqarah (265-266)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, wax ka bixiya ka wanaagsan waxaad kasbateen, iyo waxaan idinka soo bixinay dhulka, hana u qasdina kan xun inaad wax ka bixisaan, oo idinkuba aydaan qaadateen, inaad indho laabtaan mooyee, ogaadana in Eebbe yahay hodan la mahdiyo.
  2. Shaydaanku wuxuu idiin yaboohi faqri, wuxuuna idin fari xumaan, Eebbana wuxuu idiin yaboohi dambi-dhaaf iyo fadli, Eebbana waa waasac [deeqdiisu] waxna og.
  3. Wuxuu siiyaa xikmo cidduu doono, ruuxii la siiyo xikmana waxaa la siiyey khayr badan, wax waantoobo oon kuwa caqliga leh ahayna ma jiro.

 

Aayaddan waxay fari in xoolaha xalaasha ee fiican wax laga bixiyo, oon ka xun loo soocin bixin iyo Shaydaanku ku cabsi-galin dadka baahi iyo faqri, Eebbana u yaboohi dambi-dhaaf iyo dheeraad, cidduu doonana uu siin caqli iyo xikmad uu wanaagga ku raaco, waana khayr iyo sharaf wayn, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbe wuxuu idiin qaybiyey akhlaaqda siduu idiin ku qaybiyey arzaaqda, Eebbana wuu siiyaa adduun ruuxuu jecel yahay iyo miduusan jecleynba, mase siiyo Diinka miduusan jecleyn, ruuxuu siiyo Diin wuu jeclaaday…” Intuu ka dhaho, “Ruuxii ka bixiya xaaraam, ama sadaqeeya lama aqbalo, hadduu ka tagana wuxuu ku noqon shay Naareed.” Waxaa wariyey Imaam Axmed. Al-Baqarah (267-269)

 

  1. Waxaad bixisaan oo nafaqo ah [sadaqo] amaad ku nadartaan oo nadar ah Eebbe waa ogyahay, daalimiinna gargaare uma sugnaanin.
  2. Haddaad muujisaan sadaqaadka waa fiican tahay, haddaadse qarisaan ood siisaan fuqarada yaa idiin khayr badan, wuuna asturi Eebbe xumaantiina [dambiga] Eebbana waxaad falaysaan wuu ogyahay.
  3. Korkaaga ma saarra hanuunintoodu, Eebbaase hanuuniya cidduu doono, waxaad bixinaysaan oo khayr ah naftiinnaa iska leh, umana bixisaan doonid Waji Eebbe mooyee, waxaad bixisaan oo khayr ahna waa laydiin oofin, idinkoon laydin dulmiyeyn.

 

Wixii sadaqa ah oo la bixin ama wixii lagu nadro iyo camal walba Eebbe waa ogyahay, muujinta sadaqa iyo qarinteeduba waa bannaan tahay, waxaase khayr badan qarinteeda, hanuunkana Eebbaa haysta, Nabigana waxaan gaadhsiis ahayn ma saarro. Wixii dar Eebbe loo bixiyaana Eebbe wuu ka abaalmarin. Waxaana toddobada la hadhayn ka mid ah, “Ciddii sadaqo qarsoon bixisa.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Al-Baqarah (270-272)

 

  1. [Waxaa muta sadaqadaas] fuqarada lagu koobay Jidka Eebbe [Jahaadka] oon karin inay dhulka ku safraan, wuxuuna u malayn kaan ogayn hodan dhawrsanaanta, waxaadse ku garan calaamaddooda, umana waydiiyaan dadka ku celcelin, waxaad bixisaan oo khayr ah Eebbe waa ogyahay [oo ka jazayn].
  2. Kuwa bixiya xoolahooda habeen iyo dharaarba qarsoodi iyo muuqaalba waxay ku mudan ajirkooda Eebbahood agtiis, cabsina korkooda ma ahaato iyo murug midna.

 

Wax bixintu waa lagama maarmaan, waajib ahaatayaa iyo siin kale ahaatayaaba, adaygeeda iyo ahmiyaddeeda darteed ayuu Qur’aanku wax badan soo celceliyey, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wax badan u faray uguna hanuuniyey, taasina waxay ku tusin in Diinta Islaamku tahay Diin xidhiidhin iyo taakulayn, sida fuqarada aan shaqaynayn, ee jidka Eebbe ku jahaadi, cidna wax warsanin loona malaynayn fuqaro, oyse ka muuqato dhibaato, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ruuxii is dhawra Eebbaa dhawra, ruuxii is hodan yeelana Eebbaa hodmiya, ruuxii wax waydiista isagoo hanta wax la eg shan wiqiyadoodna wuxuu u waydiiyey dadka celcelin.” Waxaa sheegay Imaam Axmed. Al-Baqarah (273-274)

 

  1. Kuwa cuna ribada kama istaagaan [qubuurahooda] siduu u istaago mid la dhici Shaydaan taabashadiis mooyee, waxaana ugu wacan arrintaas inay dhaheen, “Baycu [gadashadu] waa sida ribada.” Wuu banneeyey Eebbe bayca [gadashada] wuxuuna xarrimay ribada, ruuxuu u yimaado waano Eebbihiis oo reebtooma wuxuu mudan wixii horreeyey, amarkiisana waxaa [loo bandhigi] Eebbe, ruuxiise ku noqda [ribada] kuwaasu waa asxaabta [ehelka] Naarta wayna ku waari dhexdeeda.
  2. Wuxuu tiraa Eebbe ribada wuxuuna badiyaa [barakeeyaa] sadaqooyinka, Eebbana ma jecla gaalnimo-badane dambi badan dhammaantiis.

 

Diinta Islaamku waa Diin fari xalaal cunka, shaqada fiican iyo is-taakulaynta, mana oggola xaaraan cunka, is-khayaamidda iyo dulmiga, ribaduna waa xoolaha dadkoo xaq-darro iyo dulsaar lagu cuno, waxaana lagu ciqaabi dhidhicid sida ruux waalan Qiyaamada, Cadaab iyo barako-darro, illeen Eebbe kala gadashaduu banneeyaa, ribadana wuu xarrimaa, mana aha siday gaaladu sheegeen in bayca iyo ribadu isku mid yihiin. Rasuulkuna (naxariiis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaan u imid habeenkii la dheelmay qaar calooshoodu tahay sida guryo oo abeesana dhex socoto, waxaana dhahay ‘Waayo kuwaasi Jibriilow?’ Wuxuu yidhi, ‘Kuwaasi waa kuwa cuna ribada.’” Waxaa wariyey Imaam Axmed. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Kuwa cuna ribada waxaa lasoo bixiyaa Qiyaamada iyagoo waalan oo neefaysan.” Al-Baqarah (275-276)

 

  1. Kuwa rumeeyey Xaqa, oo camal fiican falay, oo oogay salaadda, oo bixiyey zakada, waxay ka mudan ajirkooda Eebbahood agtiisa, wax cabsi ah iyo murugana korkooda ma ahaato.
  2. Kuwa xaqa rumeeyow, ka dhawrsada Eebbe kana taga waxa hadhay oo ribo ah haddaad mu’miniin tihiin.
  3. Haddaydaan falin [sidaas] ogaada dagaal Eebbe iyo Rasuulkiisa, haddaad tawbad keentaanna waxaad leedihiin raasa-maalkii xoolihiina, wax dulmin maysaan idinna laydin ma dulmayo.
  4. Haddii la helo isagoo caydh ah [kan wax lagu leeyahay] hala sugo intay uga fududaato, haddaad sadaqaysataan [ka saamaxdaan] yaa idiin khayr badan haddaad ogtihiin.
  5. Kana dhawrsada maalinta laydiin soo celin Eebbe, kadibna qof walba loo oofin waxay kasbatay, lamana dulmiyo.

 

Ciddii xaqa rumeysa oo camal fiican la timaadda: salaad, zako iyo wanaagga kalaba wuu ka helaa abaalkiisa fiican Eebbe agtiisa, isagoon cabsi iyo murugo arkayn. Ribadana saan horay u soo sheegnay waa camal xun iyo kasab xaaraan ah, mudanna in laga dheeraado, ciddii fashana ha u darbado dagaalka Eebbe iyo Rasuulkiisa, maxaadse u malayn cid Eebbe iyo Rasuulkiisu la dagaallameen? Ibnu Cabbaas wuxuu sheegay in, “Kan cuna ribada lagu dhihi Qiyaamada, ‘U qaado hubkaaga dagaal Eebbe.’” Ribaduna waa irrido badan tahay, waana mas’alooyinka aad u adag oy waajib tahay dadaal iyo ka fogaanta shakiga. Waana in loo naxariisto cidda daynta qabta ee faqiirka ah, intuu ka helana la sugo ama laga saamaxo, iyadoo loo darban Qiyaamada illeen Eebbaa loo noqone cid kastana ka abaalmarin wuxuu kasbaday isagoon la dulmiyeyn. Al-Baqarah (277-281)

 

  1. Kuwa xaqa rumeeyow, haddaad wax kala daynsataan tan iyo muddo magacaaban qora hana idiin kala qoro dhexdiina qof si caddaalad ah, yuuna diidin qore inuu u qoro siduu wax u baray Eebbe, ha qoro hana u yeedhiyo kan xaqa lagu leeyahay, hana ka dhawrsado Eebbe, yuuna wax ka nuqsaaminin hadduu yahay kan xaqa lagu leeyahay safiih ama tabar yare ama uusan karin inuu yeedhiyo ha u yeedhiyo waligiisu si caddaalad ah, maragana ka yeela laba marag oo rag ah, haddaan laba nin la helinna nin iyo laba haweenood ka raalli tihiin marag ahaan [laga yaabo] inay midi halmaanto oo tan kale xusuusiso, yeyna diidin maraggu haddii loo yeedho, hana ka daalina inaad qortaan wax yar iyo wax waynba tan iyo muddadiisa, saasaa ku caddaalad badan Eebbe agtiisa una sugan maragga una dhaw inaan la shakiyin, inay tahay tijaara [ganacsi] joogta aad maamulaysaan dhexdiina oo korkiinna dhib [dambi] ma aha inaydaan qorin, marag u yeela haddaad wax kala gadanaysaan, yaana la dhibin qore iyo marag midna, haddaad fashaan waa faasiqnimadiinna, ka dhawrsada Eebbe wax buu idin bariye, Eebbana wax kasta waa ogyahay.

 

Aayaddan waa aayad wayn, waxayna faraysaa in la qoro wixii la kala daynsan, maragna loo yeelo, si caddaalad loo gaadho wax shaki ahna u dhicin, waxay kaloo fari in maragga, qoraha iyo kan daynta qaadanba dhabta iyo caddaalada ku dadaalaan, wax dhib ahna aan laysu gaysan, haddii cidda daynta qabta wax yeedhin waayo yari ama safiihnimo ama tabar yari awgeed waxaa tawallin waligiisa, waxaa sugnaatay in Nabigu galay magaalada Madiino iyagoo isu hor marin wuxuuna yidhi, “Ciddii salaf hormarin samaysa ha ku hor mariso beegid la yaqaan iyo miisaan la yaqaan tan iyo muddo la yaqaan.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Al-Baqarah (282)

 

  1. Haddaad safar tihiin oydaan helin qore rahan la qibloodo [ha baddasho qoridda] hadduu qaarkiin aamino qaar ha siiyo kii la aaminay amaanadiisa hana ka dhawrsado Eebbihiisa barbaariyey, hana qarinina maragga, ruuxii qariyana wuu dambaabi qalbigiisu, Eebbana waxaad camal-fashaan waa ogyahay.
  2. Eebbaa iska leh waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, haddaad muujisaan waxa naftiinna ku sugan ama qarisaan wuu idin ka xisaabin Eebbe, wuuna u dhaafi cidduu doono ama cadaabi cidduu doono, Eebbana wax kasta [oo uu doono] wuu karaa.

 

Haddiii safar la yahay oon la helayn qore waxaa la kala qaadan rahan (cudhaadh), haddii lays aaminana ha siiyo kii la aaminay ciddii aamintay xaqeeda, Eebbana haka yaabo, maragana yaan la qarinin, illeen ciddii qarisa wuu dambaabiye, Eebbana waa ogyahay waxaad camal falaysaan. Samooyinka iyo dhulka waxa ku suganna Eebbaa iska leh, wax kastood fashaanna ama muuji ama qari ee mar walba Eebbe wuu ku xisaabin dadka, cidduu doonana wuu u dhaafi tuu doonana wuu cadaabi, illeen wax kasta wuu karaayee, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbe wuxuu yidhi, ‘Hadduu doono addoonkaygu xumaan waxba ha uqorina intuu ka falo, hadduu falana mid u qora, hadduu wanaag doono ka dibna falin u qora wanaag, hadduu falana u qora toban wanaag.’” Waa saxiix. Markay aayaddan soo dagtayna asxaabtii Nabiga aad bay u cabsadeen hasa yeeshee Eebbaa sheegay inaan cidna lagu mashaqayn waxayan karin, taasina waxay ku tusin caddaaladda iyo naxariista Eebbe, kaliya waxaa uun loo baahan yahay toosnaan iyo samo-fal iyo Eebbe ku-xidhnaan. Al-Baqarah (283-284)

 

  1. Wuu rumeeyey Rasuulku wixii looga soo dajiyey xagga Eebbihiis, mu‘miniintuna [way rumeeyeen] dhammaanna waxay rumeeyeen Eebbe, malaa’igtiisa, Kutubtiisa iyo Rasuulladiisa, mana kala geynayno mid ka mid ah Rasuulladiisa dhexdooda, waxayna dhaheen waan maqalnay oon adeecnay, dhaafiddaada Eebbahanow, xaggaagaana loo ahaan.
  2. Kuma mashaqeeyo Eebbe naf waxay awooddo mooyee, waxay mudan waxay kasbatay [oo wanaag ah] waxaana korkeeda ah waxay isu kasbatay [oo xumaano]. Eebbow hanoo qabanin haddaan halmaanno ama gafno, Eebbow ha nagu xambaarin culays saad ugu xambaartay kuwii naga horeeyey, Eebbow hanagu xambaarin [dhibin] waxaanaan awood u lahayn, na cafina oo noo dhaaf noona naxariiso, adaa gargaarahannaga ahe, nooga gargaar qaarka gaalada ah.

 

Waxay ku tusin aayadda hore in xaqa aad u yeedhi aad dhab u rumeysid. Sida Eebbe u sheegay in Rasuulku iyo mu‘miniintuba rumeeyeen Qur’aanka iyo Xaqa Eebbe soo dajiyey. Tan kale waajibnimada rumeynta Eebbe, malaa‘igtiisa, Kutubtiisa iyo Rasuulladiisa, oon la kala qaybinin, Xaqana la maqloo la adeeco, waxayna caddaysay arkaanta iimaanka badideed, aayadda kale waxay caddayn inaan Eebbe ku dhibin addoonkiisa wuxuusan awoodin wax kastaba ha ahaadee, naf walbana ay mudan waxay kasbato, halmaansho iyo gafna Eebbe uga naxariistay dadka, culayskii ummadihii hore saarnaana laga fududeeyey, waxayna ku dhammaatay Suuraddu warsi Eebbe cafi, dambi-dhaaf, naxariis iyo ka-guulaysi gaalada. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ruuxii akhriya laba aayadood ee Suuradda Baqara u dambeeya habeen way ku fillaan.” Waxaa wariyey Bukhaari. Waxaa kaloo Nabigu yidhi, “Waxaa laygu soo diray Diin toosanoo fudud.” Al-Baqarah (285-286)

***

Suurat Aali-Cimraan

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Alif. Laam. Miim. [Waxay ku tusin mucjisada Qur’aanka.]
  2. Eebbe ilaah kale [xaq lagu caabudo] ma jiro isaga mooyee, ee nool, ee maamula khalqiga.
  3. Wuxuu kugu dejiyey [Nabiyow] Kitaabka [Qur’aanka] si xaq ah, isagoo u rumeyn wixii ka horeeyey, wuxuuna soo dejiyey Eebbe Tawreed iyo Injiil
  4. [Waqti] hore iyagoo hanuun u ah dadka, wuxuuna soo dejiyey [Eebbe] Furqaan [Qur’aanka], kuwa ka gaaloobay aayaadka Eebbe waxay mudan cadaab daran, Eebbana waa Adkaade aarsada.
  5. Eebbana kagama qarsoona korkiisa waxba dhulka iyo samada midna.
  6. Waana Eebbaha idinku sawira [abuura] riximyada [ilmo-galeenka] siduu doono, Eebbe mooyee ilaah kale [xaq lagu caabudo] ma jiro waana Adkaade Falsan.

 

Waxay soo degeen aayadahan mar wafdi ka yimid xagga Najraan sanadkii sagaalaad ee Hijrada, waxayna sugi kalinimada Eebbe, noloshiisa, awooddiisa, xaqnimada Qur’aanka, inuu u rumeyn Kutubtii hore wixii xaq ah, iyo inuu hanuun u yahay dadka, Xaqa iyo baadilkana uu kala bixin, ciddii Xaqa diiddana uu ciqaabi, Eebbe wax kaga qarsoonna uusan jirin cir iyo dhul midna, siduu doonana uu dadka ugu abuuro uurka hooyo. Nawaas binu Samcaan waxaa laga wariyey inuu yidhi, “Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, ‘Waxaa la keeni Qur’aanka maalinta Qiyaame iyo ehelkiisii ku camal fali jiray, isagooy hor socoto Suuratu Baqara iyo Aal Cimraan.’” Aali-Cimraan (1-6)

 

  1. Eebbe waa kan kugu soo dejiyey Kitaabka, waxaana ka mid ah aayado sugan [macnahoodu cad yahay] oo ah hooyada Qur’aanka [asalkiisa] iyo kuwa kale oo isu eg, kuwa qalbigoodu leexasho ku jirto waxay raacraacaan kan is-shabaha [isu eg] doonid fidmo [xumaan] iyo doonid ta’wiil [leexin fasir] darteed, wax og fasirka [kaasna] ma jiro Eebbe iyo kuwa ku xididaystay cilmiga mooyee, waxayna dhihi, “Waan rumeynay kaas, dhammaana wuxuu ka ahaaday Eebbeheen agtiisa,” mana waantoobo kuwa caqliga leh mooyee.
  2. “Eebbow ha iilin quluubtannada intaad hanuunisay kadib, nagana sii agtaada naxariis, adiga un baa bixin-badane ehe.”
  3. “Eebbow adaa u kulmin dadka maalin darteed [Qiyaamada] oon shaki lahayn,” Eebbana ma baajiyo ballanka.

 

Eebbaa Qur’aanka soo dejiyey, isagoo midna macnihiisu cad yahay, midna is-shabaho (caddayn) oo u baahan garashadiisu cilmi dheeraad ah, mana habboona in Qur’aanka loo leexiyo si aan habbooneyn Xaqna ahayn, si loo fidmeeyo loona dhumiyo dadka, waase in dhammaan la rumeeyo Qur’aanka, Eebbana la weydiisto ku sugnaanta Xaqa iyo inuusan leexinin quluubta, illeen isagaa wax bixiyee, dadkana kulmiya Qiyaamada, yaboohana baajineyn. Rasuulka (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Haddaad aragtaan kuwo ku murmi Qur’aanka waa kuwa Eebbe magacaabayee ka digtoonaada.” Imaan Axmed. Wax badan wuxuu ku ducaysan jiray Nabigu, “Eebbaha gaddiya quluubtow, ku sug qalbigeyga Diintaada.” Waxaa wariyey Ibnu Mardaweyhi. Aali-Cimraan (7-9)

 

  1. Kuwa gaaloobay ugama taraan xoolahoodu iyo carruurtoodu Eebbe xaggiisa waxba, kuwaasina iyaga un baa ah shidaalka Naarta.
  2. Waa sidii caadadii Fircoon iyo ehelkiisii iyo kuwii ka horreeyey, waxay beeniyeen aayaadkanagii, markaasuu qabtay Eebbe dambigooda dartiis, Eebbana waa daran tahay ciqaabtiisu.
  3. Waxaad u dhahdaa kuwii gaaloobay waa laydinka adkaan, waxaana laydiin soo kulmin Jahannamo, iyadaana u xun gogol.
  4. Waxaa idiinku sugan aayad labo kooxood oo kulmay [dagaallamay], kooxu waxay ku dagaallami Jidka Eebbe tan kalana waa gaal, waxayna ku arkaan mu‘miniinta laba jibbaarkood xagga aragtida isha, Eebbana waa ku ayidaa [xoojiyaa] gargaarkiisa cidduu doono, arrintaasna waanaa ugu sugan ciddii arag leh [wax garan].

 

Xoolo iyo carruur iyo wax kale toona wax ugama taraan Eebbe agtiisa ciddii ku madax-adayga, gaaladana waxay lamid tahay tii Fircoon iyo qawmkiisii iyo kuwii ka horreeyey ee Eebbe si daran u qabtay, ciddii xoog is-bidda iyadoo gaal ah waxaa uun u dambeyn jab iyo halaag iyo galidda Jahannamo, ciddii waana qaadanna ha fiiriso dagaalkii Badar iyo in Eebbe u gargaaray mu‘miniintii Xaqa ku dagaallamaysay. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yaa istaagay habeen Makka wuxuuna yidhi, “Eebbow ma gaadhsiiyey?” saddex jeer. Markaasuu Cumar yidhi, “Haa waadna dadaashayood is-dhibtay ood naseexaysay, ee Samir.” Markaasuu yidhi Nabigu, “Waxaa sarrayn iimaanka ilaa gaalnimadu ku noqoto waddankeedii, waxayna la dhunban rag badda Islaamka.” Aali-Cimraan (10-13)

 

  1. Waxaa loo qurxiyey dadka jacaylka waxa naftu doonto oo ah haween, wiilal iyo wax badan oo labanlaaban oo dahab iyo qalin ah, iyo fardo laylyan oo darban, iyo ancaamta [xoolaha nool] iyo beeraha, arrintaasna waa raaxada nolosha adduun, Eebbe agtiisaana noqosho wanaagsan leh.
  2. Maydiin ka warramaa wax ka khayr roon kiinnaas? Kuwa dhawrsada waxaa ugu sugnaaday Eebbahood agtiisa Jannooyin ay dareeri dhexdeeda wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda iyo haween la daahiriyey iyo raalli ahaansho Eebbe, Eebbana waa arkaa addoomada
  3. Ee ah kuwa dhihi, “Eebbow annagu waan rumeynay ee noo dhaaf dambiyadannada nagana dhawr cadaabka Naarta.”
  4. Ee ah kuwa samra ee runlowga ah, ee adeeca Eebbe, ee wax bixiya, ee dambi-dhaaf warsada aroortii.

 

Dabeecadda dadka waxaa ka mid ah inuu jeclaado nolosha adduunka iyo waxa laysku qurxiyo oo xoolo, ehel iyo lacagba ah, Eebbe agtiisaase wanaag, Jannooyin, ehel nadiif ah iyo rilaha Eebbe jiraan, waxaana mudan arrimahaas kuwa Eebbe dambi-dhaaf ka warsada ee ka magangala Naarta, ee ku sifooba samir, run-sheeg, daacad, wax-bixin iyo tawbad-keen. Ibraahiim binu Xaadib wuxuu ka wariyey aabbihiis inuu yidhi, “Waxaan maqlay ruux aroortii ku leh dhinaca masjidka, ‘Eebbow waad i amartay waana ku adeecay, waqtiguna waa aroor ee ii dhaaf (dambiga).’ Markaasaan dayay illeen waa Ibnu Mascuud Eebbe haka raalli noqdee.” Aali-Cimraan (14-17).

 

  1. Eebbe wuxuu qirayaa inaan Eebbe mooyee ilaah kale [xaq lagu caabudo] jirin, malaa’igtuna [way qiri] iyo kuwa cilmiga leh, maamulana caddaalad, Eebbe kale ma jiro isaga mooyee waana Adkaade Falsan.
  2. Diinta [xaqa ah] Eebbe agtiisa waa Islaamka, ismana khilaafin kuwii la siiyey Kitaabka intuu u yimid cilmi mooyee, xasad [dulmi] dhexdooda ah dartiis, ruuxii ka gaalooba aayaadka Eebbe Ilaahay waa degdeg badan tahay xisaabitiisu [wuu ciqaabi].
  3. Hadday kula xujaytamaan [murmaan] waxaad dhahdaa, “Waxaan u hoggaamiyey [aniga] iyo inta i raacday wajigayaga Eebbe.” Waxaad ku dhahdaa kuwa la siiyey Kitaabka [ehlu-Kitaabka] iyo ummiyyiinta [wax aqoon], “Ma hoggaansamaysaan? [Hoggaansama]” Hadday hoggaansamaanna way hanuuneen, hadday jeedsadaanna waxaa uun ku saaran gaadhsiin, Eebbana waa arkaa addoomada.

 

Kalinimada Eebbe iyo Xaqnimadiisa waxaa qiray Eebbe, malaa‘igta, kuwa cilmiga leh. Diinta dhabta ah ee xaqa ahna waa Diinta Islaamka, waxa kasoo hadhay waa wax-kama-jiraan, gaaladuna waxay Xaqa u diideen kibir iyo xasad, Eebbaana ku ciqaabi, muran iyo doodna looma baahna ee waa in Eebbe loo hoggaansamo, dadkoo dhanna waa inay islaamaan, ciddii diiddana xil kama saarna Nabiga, wuxuuna yidhi Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Nabiyada waxaa loo bixiyey qawmkooda, anigase waxaa la ii bixiyey dadka dhammaantiis.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Waxayna ku tusin aayaddu in Eebbe Rasuulka u diray dadkoo dhan, oo ciddaan rumeynin dhuntay tahayna ehelka Naarta. Aali-Cimraan (18-20)

 

  1. Kuwa ka gaaloobi aayaadka Eebbe oo u dila Nabiyada xaq-darro oo dila kuwa fara caddaaladda oo dadka kamid ah ugu bishaaree cadaab daran.
  2. Kuwaasi waa kuwuu buray [hoobtay] camalkoodu adduun iyo Aakhiraba, mana u sugnaan wax u gargaara.
  3. Ma aragtay [ka warran] kuwii la siiyey qayb kamid ah Kitaabka oo loogu yeedhi Kitaabka Eebbe inuu kala xukumo dhexdooda markaas ay jeedsan koox kamid ah iyagoo diiddan [Xaqa].
  4. Waxaana ugu wacan inay dheheen, “Mana tabaato Naartu maalmo mooyee,” waxaa ku dhagray Diintooda waxay been abuuran jireen.
  5. Ee say ahaan markaanu u kulminno maalin aan shaki lahayn, loona oofiyo [dhammeeyo] naf kastaa waxay kasbatay iyagoon la dulmayn?

 

Kuwii gaaloobay ee diiday aayaadka Eebbe oo layn jiray Nabiyada iyo kuwa xaqa fara dadka, si xaq-darro ahna u wax yeelleeyey, waxay mudan cadaab daran, camalkooduna wuu buri adduun iyo Aakhiraba, wax u gargaarana ma helaan. Abuu Cubayda binul Jarraax waxaa laga wariyey inuu yidhi, “Waxaan idhi, Rasuulka Eebbow yaa dadka ugu cadaab daran maalinta Qiyaamo? Wuxuuna yidhi Nabigu, ‘Ruux dilay Nabi ama ruux fari wanaag reebina xumaanta…’” Waxaa wariyey Ibnu Abii Xaatim iyo Ibnu Jariir. Yuhuud iyo Nasaara waxaa la kala siiyey Tawreed iyo Injiil, waxaana loogu yeedhay inay rumeeyaan Kitaabka Qur’aanka ah ee xaqa ah, iskuna xukumaan, weyse diideen iyagoo qaarkood sheegay inaan la cadaabayn wax maalmo ah oo tirsan mooyee, taasina waxaa ugu wacan dhagar iyo been-abuurashada ay ku samayn Diinta, waxaase la abaal marin Qiyaamada oon cidna la dulmiyeyn. Aali-Cimraan (21-25)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Eebbow adaa hanta xukunka, waxaad siisaa xukunka ciddaad doonto waxaadna ka siibtaa [wareejisaa] xukunka ciddaad doonto, waxaadna cizaysaa ciddaad doonto, waxaadna dullaysaa ciddaad doonto, adaana hanta khayrka, adaana wax kasta kara.”
  2. “Waxaadna dhexgalisaa habeenka maalinta, dhexgelisaana maalinta habeenka, kana soo bixisaa wax nool wax dhimaad ah, kana soo bixisaa wax dhimaad ah wax nool, waadna arzaaqdaa ciddaad doonto xisaab la’aan.”
  3. Yeyna ka yeelan mu‘miniintu gaalada sokeeye mu‘miniinta ka sokow, ruuxii fala saas waxba Eebbe kama mudna, inaad dhawrsasho xaggooda ka dhawrsataan mooyee, wuxuuna idiinka digi Eebbe Naftiisa, xagga Eebbaana loo ahaan.

 

Eebbaa awoodda iska leh, cidduu doonana wuxuu u dhiibaa xukunka, tuu doonana wuu ka wareejiyaa, waxna isagaa sharrifa waxna dulleeya, wax kastana awooddiisay ku hoos jiraan, nusqaaminta habeenka iyo maalinta, kasoo-saaridda wax nool wax dhimaad ah, iyo wax dhimaad ah wax nool, wax arzuqiddana isagaa hanta. Tan kale ma habboona mana bannaana in mu‘miniintu gaalada ka sokeeye yeeshaan iyagoo ka leexan mu‘miniinta, ciddii saas fashana Eebbe xidhiidh kama dhexeeyo, marka laga reebo duruuf iyo waqti gaar ah oo mu‘miniintu gaalada sharkooda ka dhawrsan, waana in Eebbe laga digtoonaado illeen xaggiisaa loo ahaane. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Dhawrsashadu (ka dhawrsashada gaalada) ma aha camal ee waa uun carrab.” Aali-Cimraan (26-28)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Haddaad qarisaan waxa laabtiinna ku sugan amaad muujisaan waa ogaan Eebbe, wuxuuna ogaan waxa samooyinka ku sugan iyo dhulka, Eebbana wax kasta uu [doono] wuu karaa.”
  2. [Xusuuso] maalinta ay heli naf kastaa waxay camal fashay oo khayr ah oo la soo xaadiriyey [la keenay] waxay camal fashay oo xumaan ahna waxay jeclaan in la yeelo iyada iyo isaga dhexdooda muddo dheer, wuxuuna idiinka digi Eebbe Naftiisa [ciqaabtiisa], Eebbana waa u-naxariistaha addoomadiisa.
  3. Waxaad dhahdaa, “Haddaad tihiin kuwo jecel Eebbe i raaca haydin jeclaado Eebbee hana idiin dhaafo dambigiinee, Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.”
  4. Waxaad dhahdaa, “Adeeca Eebbe iyo Rasuulkiisa, haddaad jeedsataan Eebbe ma jecla gaalada.”

 

Waxba kama qarsoona Eebbe, ama laab ha lagu qariyo ama hala muujiyo, ama cir iyo dhul haku sugnaadee, waana awoodle ka abaal-marin naf kasta waxay camal fashay khayr iyo sharba, waana naxariis badane ka digi ciqaabtiisa, faray in ciddii jecel Eebbe ay raacdo Nabiga si Eebbe u jeclaado uguna dambi dhaafo uguna naxariisto, waana waajib in Eebbe iyo Rasuulkiisa la addeeco, ciddii ka jeedsatana waa gaaloowday Eebbana ma jecla gaalo. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Cidda fasha waxaan amarkannaga ahayn waa lagu celin (diidi).” Xasanul Basri wuxuu yidhi, “Eebbe naxariistiisa waxaa ka mid ah inuu isaga digo dadka.” Aali-Cimraan (29-32)

 

  1. Eebbe wuxuu ka doortay Aadam, Nuux, ehelkii Ibraahiim iyo ehelkii Cimraan caalamka.
  2. Waana farac qaarkood qaar ka yimid, Eebbana waa maqle oge ah.
  3. Xusuuso markay tidhi haweenaydii Cimraan, “Eebbow waxaan kuugu nadray waxaa uurkayga ku jira inuu xor kuu ahaado [cibaadadaada] ee iga aqbal adiga un baa wax maqle oge ehe.”
  4. Markay dhashay gabadh waxay tidhi, “Eebbow waxaan dhalay dhaddig,” Eebbana waa ogyahay waxay dhashay, labna la mid ma aha dhaddig, “Waxaana ku magacaabay Maryam, waxaana kaa magan galin iyada iyo faraceeda Sha’ydaanka la dhagaxyeeyey [la dheereeyey].”

 

Eebbe Sarreeye wuxuu abuuray doortayna Aadam nafna galiyey, malaa‘igtana faray inay u sujuuddo, barayna magaca wax kasta, dajiyeyna Jannada, kana soo dejiyey xikmad darteed, Nuuxna ka dhigay Rasuulkii ugu horreeyey doortayna isaga iyo ehelkii Nabi Ibraahiim iyo ehelkii Cimraan. Aayadaha kale waxay sheegi Maryam hooyadeed iyo siday ugu nadartay in waxa uurkeeda ku jira hadduu lab noqdo ka shaqeeyo masjidka, markuu noqday gabadhna ay ka magan galisay Eebbe Shaydaanka iyada iyo waxay dhasho. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Cid kastoo la dhalo Shaydaan baa taabta Ciise ibnu Maryam mooyee,” markaasuu akhriyey Nabigu aayadda (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee). Aali-Cimraan (33-36)

 

  1. Wuxuuna ka aqbalay Eebbe aqbal fiican, wuuna koriyey korin fiican [xanaano] waxaana kafaala qaaday [dhaqaaleeyey] Zakariye, markastoos ugu galana mixraabka [qolka] wuxuu ka helaa agteeda rizqi, wuxuuna dhahaa, “Xaggee kaaga yimid Maryamow kan,” waxayna dhahdaa, “Wuxuu ka yimid Eebbe agtiisa,” Eebbana wuu u arzuqaa cidduu doono xisaab la‘aan.
  2. Halkaasuu baryey Zakariye Eebbihiis yidhina, “Eebbow iga sii agtaada farac wanaagsan adaa maqla [ajiiba] ducadee.”
  3. Waxaana u dhawaaqday malaa’igtii isagoo taagan oo ku tukan mixraabka, “Eebbe wuxuu kuugu bishaarayn Yaxye isagoo rumeyn Kalimadda Eebbe [Ciise] sayidna ah dhawrsoonna, Nabina ah, kamid ah kuwa wanaagsan.”
  4. Wuxuu yidhi, “Eebbow sidee iigu ahaan wiil anooy isoo gaadhay duqnimo, haweeneydeyduna ma-dhalays tahay?” Wuxuu yidhi, “Saasuu ku falaa Eebbe wuxuu doono.”
  5. Wuxuu yidhi, “Eebbow ii yeel calaamo,” wuxuuna yidhi, “Calaamaddu waa inaadan la hadlin dadka saddex maalmood ishaaro mooyee, xusna Eebbahaa wax badan, una tasbiixso galabtii iyo aroortiiba.”

 

Waxay caddayn aayaduhu sida Eebbe Maryam u dhaqaaleeyey una arzaaqay, Nabi Zakariyana u xanaaneeyey, markuu wax la-yaab leh ku arkeyna baryay Eebbe inuu ilmo siiyo looguna bishaareeyey Yaxye, inkastoos wayn yahay haweeneyduna ayan dhalin, hasa yeeshee Eebbe wuxuu doono wuu karaa, waxaana la faray inuusan saddex maalmood dadka la hadlin ee cibaadaysto, taasoo calaamo u ah aqbal iyo siinta wiilka. Aali-Cimraan (37-41)

 

  1. [Xusuuso] markay tidhi malaa‘igtu, “Maryamoy Eebbe waa ku doortay waana ku daahir yeelay wuxuuna kaa doortay haweenka caalamka.”
  2. “Maryamooy adeec [u khushuuc] Eebbahaa sujuudna rukuucna [la tuko] kuwa rukuuca [tukada].”
  3. Taasi waa warka waxa maqan oonnu kuu waxyoon mana aadan la joogin markey tuurayeen qalimadooda koodii kafaala qaadi Maryam, mana aadan la joogin markey murmayeen.
  4. [Xusuuso] markey tidhi Malaa‘igtu, “Maryamooy Eebbe wuxuu kuugu bishaarayn kalimo xaggiisa ah [wiil] magaciisu yahay Masiix Ciise ibnu Maryam isagoo sharaf leh adduun iyo Aakhiraba kana mid ah kuwa lasoo dhaweeyey.”
  5. “Kulana hadli dadka dharabta iyo isagoo [gadhmadoobe] nin wayn ah kana mid ah kuwa suubban.”

 

Aayaduhu waxay ka warrami waxay malaa‘igtu kula hadashay Maryam iyadoo fulin amarka Eebbe, iyo sida Eebbe u doortay una dahiray, una faray inay cibaadada badiso, saasuuna Eebbe ugaga warramay in kastoosan joogin Nabiga goobtaas, waxaa kalooy ka warrami sida Eebbe ugu bishaareeyey Nabi Ciise oo ah mid sharaf leh Aakhiro iyo adduunba, Eebbana dhaweeyey, isagoo dadka kula hadlay yaraan iyo wayniba. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaa u khayr badan haweenka caalamka afar: Maryama bintu Cimraan, Aasiya haweeneydii Fircoon, Khadiija bintu Khuweylid iyo Faadumo binti Rasuulka Eebbe.” Waxaa wariyey Ibnu Mardaweyhi. Aali-Cimraan (42-46)

 

  1. Waxay tidhi [Maryam], “Eebbow sidee ilmo iigu ahaan isagoon i taaban dad [nin]?” Wuxuu yidhi [Eebbe], “Saasuu Eebbe wax u abuuraa wuxuu doono, markuu xukmin amarna wuxuu uun u dhahaa ahow wuuna ahaadaa.”
  2. Wuxuuna [Eebbe] bari [Ciise] Kitaabka, xikmad, Tawreed iyo Injiil.
  3. Waa Rasuulka Banii Israa‘iil, [isagoo] u dhihi, “Waxaan idiin la imid aayad xaga Eebbihiin ka ahaatay, waxaana idiinka abuuri dhoobada shimbira oo kale, oon afuufi ooy noqon shimbir idanka Eebbe, waxaana bogsiiyaa indhala’aan-ku-dhashe iyo baraslaha, waxaana nooleeyaa maydka idanka Eebbe, waxaana idiin ka warrami waxaad cunaysaan iyo waxaad ku kaydsanaysaan guryihiinna, taasina waxay idiin tahay calaamad haddaad rumeynaysaan [Xaqa].”
  4. “Waxaana rumeyn wixii iga horreeyey oo Tawreed ah, waxaan idiin bannayn wixii laydinka reebay qaarkiis, waxaana idiin la imid calaamad xagga Eebbihiin ka ahaatay, ee ka dhawrsada Eebbe, ina adeeca.”
  5. “Ilaah waa Eebbahay iyo Eebbihiin ee caabuda, taasaana ah Jidka toosane.”

 

Aayadahan waxay ka warrami Maryam iyo wiilkeedii Ciise iyo sida Eebbe u siiyey iyadoon dad taaban, una baray Kutubta ugana yeelay Rasuul Banii Israa‘iil, idanka Eebbana wax ku bogsiin jiray, kuna nooleyn jiray, kagana warrami jiray waxay cuni iyo waxay kaydsan, dhammaan waxaasina waa wax Eebbe idankiisa ku ahaaday, ee Ciise waa uun addoon Eebbe, tan kale wuxuu raacay Xaqii ka horeeyey wuxuuna u banneeyey waxyaalihii laga reebay qaarkood, wuxuuna u sheegay Eebbihiis iyo Eebbahoodba in Ilaahay yahay, oyna waajib tahay in Eebbaha Xaqa ah la caabudo, saasaana ah Jidka Eebbe ah ee toosan. Aali-Cimraan (47-51)

 

  1. Markuu ka kasay Ciise xaggooda gaalnimo yuu yidhi, “Yaa iigu gargaari Eebbe?” Waxayna dhaheen Xawaariyiintii [gargaarayaashii], “Annagaa ah gargaaraha Eebbe [Diintiisa], waxaan rumeynay Eebbe ee marag ka noqo inaan Muslimiin nahay.”
  2. “Eebbow waan rumeynay waxaad soo dejisay waxaana raacnay Rasuulka ee nagu qor [naga dhig] la-jirka markhaatiyada [Ummadda Nabi Muxamad].”
  3. Way dhakreen, Eebbana wuu ka abaalmariyey, Eebbaana u wanaagsan wax abaalmariya.
  4. [Xusuuso] markuu ku yidhi Eebbe, “Ciisow waan ku oofsan waana ku koryeeli, waana kaa daahirin kuwii gaaloobay, waxaana yeeli kuwa raaca [Xaqa dhabta ah) korka kuwa gaaloobay tan iyo Qiyaamada, markaasna xaggaygaa laydiin soo celin waana idin kala xukumi dhexdiinna waxaad isku khilaafsanaydeen.”

 

Markuu diray Eebbe Nabi Ciise waxay kala hor yimaadeen Yuhuud iyo wixii raacay gaalnimo, waxaase raacay gargaarayaashii (Xawaariyiintii) oo Xaqa raacay Muslimiinna noqday Eebbana warsaday inuu marag ka yeelo mar hadday rumeeyeen Xaqa raaceenna Rasuulka, kuwii kale dhagar bay faleen, Eebbaana ka abaalmariyey, Ciisana oofsaday daahirna ka yeelay, kuwa Muslimka ah ee Xaqa dhabta ah raacana ka yeeli korka kuwa gaalooba tan iyo Qiyaamada, markay u noqdanna kala xukmin. Xaalka Nabi Ciisena waa in loo rumeeyo sida Eebbe uga warramay iyo Rasuulku, waana addoon Eebbe oon mudan in awood ama ilaahnimo lagu sheego, taasina waa doqonnimo iyo jaahilnimo daran, maxaa ka fiican in la dhaho waa addoon Eebbe doortay oo Nabi ah, mana dhaafsiisna Nabinnimo iyo Rasuulnimo. Wakaas xaqu. Aali- Cimraan (52-55)

 

  1. Kuwa gaaloobase waxaan cadaabi cadaab daran adduun iyo Aakhiraba, mana helaan gargaare.
  2. Kuwa [Xaqa] rumeeyeyse oo camal fiican falay wuxuu u oofin [dhammayn Eebbe] ajirkooda, Eebbana ma jecla daalimiinta.
  3. Kaasaan ku akhriyeynaa korkaaga oo aayaad ah iyo xus [Qur’aan] xikmo leh.
  4. Tusaalaha Ciise Eebbe agtiisa waa sida [Nabi] Aadam, Eebbaa ka abuuray carro markaasuu u yidhi ahow wuuna ahaan.
  5. Xaqu Eebbahaa buu ka ahaaday ee ha noqonin kuwa shakiya.
  6. Ee ruuxii kugula dooda intuu kuu yimid cilmi ka dib waxaad dhahdaa, “Kaalaya aan u yeedhno carruurtannada iyo carruurtiinna iyo haweenkannaga iyo haweenkiinna iyo naftannada iyo naftiinna markaas aan baryootanno oon lacanadda Eebbe koryeello beenaalayaasha.”

 

Waxaa ka mid ah usluubka Qur’aanka inuu isla sheego had iyo jeer kuwa wanaagsan iyo abaalkooda iyo kuwa xun iyo waxay muteen, tan kale abuurka Nabi Ciise wuxuu u egyahay kii Nabi Aadam xagga aabbo la‘aanta, iyo in Eebbe siduu doono wax u abuuro wax la shakiyana ma ahayn, waxaana jidaysan in ciddii Xaqa ku doodda intuu caddaaday lala habaartamo, aayaduhuna waxay soo dageen mar wafdi gaalada Nasaarada ah ka yimid xagga Najraan ayna ku murmeen xaalka Nabi Ciise, waxayna ka codsadeen inay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ay la habaartamaan, maxaa yeelay way sii khasaari lahaayeen. Aali-Cimraan (56-61)

 

  1. Kaas [Qur’aanka] un baa qisooyin xaq ah, Eebbe mooyee ilaah [kalana xaq lagu caabudo] ma jiro, Eebbana waa Adkaade Falsan.
  2. Hadday jeedsadaan gaaladuna Eebbe waa ogyahay kuwa wax fasahaadiya.
  3. Waxaad dhahdaa Nabiyow, “Ehlu-Kitaabow u kaalaya kalimo [odhaah] aan u simannahay annaga iyo adinkaba oo ah inaynaan caabudin Eebbe mooyee, [wax kale] oynaan lana wadaajin waxba kana yeelan qaarkeen qaar eebbayaal.” Hadday jeedsadaanna waxaad dhahdaa, “Marag noqda inaan Muslimiin nahay.”
  4. Ehlu-Kitaabow maxaad ugu murmaysaan [Nabi] Ibraahiim Tawreed iyo Injiilba lama soo dejin gadaashiisa mooyee, meydaan wax kasayn?

 

Qur’aanka un baa qisooyin xaq ah ku sugan yihiin, Eebbe mooyee ilaah kalana (xaq lagu caabudo) ma jiro, waana Adkaade Falsan, ciddii Xaqa ka jeedsatana Eebbe waa ogyahay iyo fasaadiyaasha, Xaqana cidna gaar uma laha ee waa loo siman yahay, sidoo kale cibaadada Eebbe iyo inaan qaar qaarka kale ka eebbe yeelanin kuna raacin qallooc, ciddii Xaqa ka jeedsatana ha ogaato inaan annagu mu‘miniin nahay, Yuhuud iyo Nasaarana ma aha inay ku murmaan in Nabi Ibraahiim ka mid ahaa, illeen Tawreed iyo Injiilba waxaa la soo dajiyey gadaashiiye. Bukhaari waxaa ku sugnaaday in Abuu Sufyaan u galay Qaysarkii Ruum, markaas warsaday Qaysar Nabiga tilmaantiisa, nasabkiisa, wuxuu u yeedhi iyo runtiisa, markuu u wada sheegayna uu yidhi waa sidaas Nabiyada tilmaantoodu. Aali-Cimraan (62-65)

 

  1. Kuwanow [Yuhuud iyo Nasaaro] waxaad ku muranteen waxaad wax ka ogtihiin ee maxaad ugu murmeysaan waxaydaan cilmi u lahayn, Eebbaa og idinkuse wax ma ogidiin.
  2. Ma aha [Nabi] Ibraahiim Yuhuud iyo Nasaara [midna] waase toosane Muslim ah kana mid ma aha mushrikiinta [gaalada].
  3. Waxaa dadka ugu mudan [Nabi] Ibraahiim kuwii raacay iyo Nabigan [Muxamad ah] iyo kuwa [Xaqa] rumeeyey, Eebbana waa Waliga [Gargaaraha] mu‘miniinta.
  4. Waxay jeclaatay koox ka mid ah ehlu-Kitaabka inay idin baadiyeeyaan, mana baadiyeeyaan waxaan naftooda ahayn, mana kasayaan.
  5. Ehlu-Kitaabow maxaad uga gaaloobaysaan aayaadka Eebbe idinkoo marag ah [og xaqnimadeeda]?
  6. Ehlu-Kitaabow maxaad ugu khaldaysaan Xaqa baadil [xumaan] oo u qarineysaan Xaqa idinkoo og?

 

Yuhuud iyo Nasaara iyo gaalada kalaba ma daayaan muran iyo dood, waxay ku murmaan waxayan waxba ka ogayn, sida xaalka Nabi Ibraahiim, Nabi Ibraahiimna ma ahayn Yuhuud iyo Nasaara midna, wuxuuse ahaa Muslim toosan, oon gaalada wax ka dhexeynin, waxaana ugu dhaw dadka intii raacday iyo Nabiga Muxamad ah iyo mu‘miniinta, Eebbana waa gargaaraha mu‘miniinta, waxayna dooni ehlu-Kitaabku (Yuhuud iyo Nasaara) qaarkood inay idin dhumiyaan, naftooda un bayse dhumin mase oga, hadday ka gaaloobaan aayaadka Eebbe, ama Xaqa iyo xumaanta isku khaldaan ama Xaqa qariyaan iyaga un bay dhibi. Cabdullaahi binu Mascuud waxaa laga wariyey in Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yidhi, “Nabi kasta wuxuu leeyahay sokeeye Nabiyada ka mid ah, sokeeyahayguna waa aabbahay, jeclaha Eebbe, Nabi Ibraahiim korkiisa nabadgalyo ha ahaatee. Aali-Cimraan (66-71)

 

  1. Waxay dhaheen koox ka mid ah ehlu-Kitaabka, “Rumeeya waxa lagu soo dajiyey kuwa [Xaqa] rumeeyey [Qur’aanka] maalinta horteeda, kana gaalooba maalinta gadaasheeda, waxay u dhawyihiin mu‘miniintu inay noqdaane [gaaloobaan].”
  2. “Hana aaminina [rumeynina] ruux aan Diintiinna raacin.” Waxaad dhahdaa, “Hanuun waa hanuunka Eebbe, in la siiyo cid wax la mid ah waxa laydin siiyey ama idinkula doodaan Eebbihiin agtiisa.” Waxaad dhahdaa, “Fadligu gacanta Eebbe yuu ku sugan yahay wuxuuna siiyaa cidduu doono, Eebbana waa waasac [deeq-badane] og.”
  3. Wuxuuna ku gaar yeelaa naxariistiisa cidduu doono, Eebbaana iska leh fadliga wayn.

 

Gaaladu had iyo jeer waa colka Muslimiinta, halkanna waxaad ku arkeysaan akhlaaq-xumadooda iyo khayaamadooda, iyagoo is faray inay isu muujiyaan niska hore Muslimiin, niska dambana muujiyaan gaalnimo, si ay Muslimiinta ugu beeraan shaki iyo walaac, una dhahaan kuwii cilmiga lahaa ee rumeeyey niskii hore waa kuwaa ka baxeen niskii dambana, waxay kalooy is-fareen inayna aaminin ruux aan iyaga raacin xasad iyo xumaan darteed, Eebbaase iska leh fadliga iyo wanaagga siinna cidduu doono, naxariistiisana ku khaas-yeeli cidduu doono oo mu‘miniinta ah, illeen waa deeq-badanee, taasina waxay inooga digi gaalada iyo dhagartooda iyo niyad-xumaantooda iyo in laga foojignaado. Aali-Cimraan (72- 74)

 

  1. Ehlu-Kitaabka waxaa ka mid ah ruux haddaad ku aaminto xoolo badan ku siin [Nasaarada qaarkeed] waxaana ka mid ah mid haddaad ku aaminto diinaar aan ku siinaynin, inaad kor taagnaato mooyee [waa Yuhuudda iyo wixii la mid ah] waxaana ugu wacan arrintaas inay dhaheen, “Naguma laha Ummiyyiintu jid,” waxayna ku dhihi Eebbe been iyagoo og.
  2. Saas ma aha ee ruuxii oofiya ballankiisa oo dhawrsada Eebbe waa jecel yahay dhawrsadayaasha.
  3. Kuwa ku gata ballankii Eebbe iyo dhaartoodii lacag [qiimo] yar kuwaasu nasiib kuma laha Aakhiro, lamana hadlo Eebbe [si naxariis ah] mana dayo xaggooda maalinta Qiyaame, mana daahiriyo, waxayna mudan cadaab daran.

 

Ehlu-Kitaabkii Yuhuud iyo Nasaara waxaa kamid ahaa kuwo haddaad wax badan ku aaminto kuu soo celiya sida kuwii islaamay ama Nasaarada qaarkeed, waxaase ka mid ah kuwo aan hal diinaar haddaad ku aaminto aan ku siineyn inaad kor joogto mooyee sida Yuhuudda oo dhihi xaq naguma leh Muslimiintu, beenna Eebbe ku sheega iyagoo wax og, waxaase Eebbe jecel yahay kuwa oofiya ballanka oo dhawrsada, ciddiise ku gadata ballanka Eebbe iyo dhaartiisa xoolo waa mid aan nasiib ku lahayn Aakhiro oon naxariis Eebbana helayn Qiyaamada cadaab daranna u sugnaaday. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Ruuxii ku goosta xoolo ruux Muslim ah xaq-darro dhaar wuxuu la kulmaa Eebbe isagoo u cadhaysan.” Imaam Axmed. Taasina waxay ku tusin in layska dhawro xaqa dadka oon xaq-darro lagu cunin, haddii kale ha sugo halaag iyo ciqaab. Aali-Cimraan (75-77)

 

  1. Waxaa kamid ah [Yuhuudda] koox ku leexisa carraabkooda Kitaabka [Qur’aanka] si aad ugu malaysaan Kitaabka, kana mid ma aha Kitaabka, waxayna odhan isagu wuxuu ka ahaaday Eebbe agtiisa kamana ahaanin Eebbe agtiisa, waxayna ku dhihi Eebbe been iyagoo og.
  2. Kuma habboona dad in Eebbe siiyo Kitaab, xukun iyo Nabinimo markaas ku dhaha dadka, “Addoomo ii noqda Eebbe ka sokow,” hasa yeeshee noqda culimo [dabeeco fiican] Kitaabkaad baraysaan dartiis iyo waxaad baranaysaan.
  3. Idinmana farayo Eebbe inaad ka yeelataan malaa‘igta iyo Nabiyada eebbayaal, ma wuxuu idin fari gaalnimo intaad Muslim noqoteen kadib?

 

Yuhuud waxaa caadadeeda kamid ah Xaq-diiddo iyo hadal-leexin, waxaana ka mid ah kuwo baddala hadalka Eebbe oo waji kale u yeela si ay dadkaan wax aqoonin ugu khaldaan, iyagoo dhihi wuxuu kasoo dagay xagga Eebbe, kamana imaan xagga Eebbe ee waa been ay ogyihiin. Diinta Islaamkuna ma oggola in cid aan Eebbe ahayn la caabudo ama addoon loo noqdo aad caabuddid, waase in la noqdaa culimo toosan marba haddaad Kitaabka akhriyeysaan ama baranaysaan, Eebbana ma faraayo in laga yeesho malaa‘igta iyo Nabiyada ilaahyo, Eebbana gaalnimo ma faraayo cidna, waxayna soo degeen aayaduhu mar gaalo Yuhuud iyo Nasaara ah ku dhaheen Nabiga ma waxaad noogu yeedhi inaan ku caabudno sidii Ciise loo caabuday, oo Nabigu yidhi, “Eebbaan ka magangalay inaan caabudo wax kasoo hadhay.” Daxaakna wuxuu yidhi, “Waxaa xaq ku ah ruuxii Qur’aan baran inuu faqiih ahaado.” Aali-Cimraan (78-80)

 

  1. [Xusuuso] markuu ka qaaday Eebbe ballan adag Nabiyada waxaan idin siiyo oo Kitaab iyo xikmo ah markaas idiin yimaado Rasuul rumeyn waxaad haysataan waa inaad rumeysaan una gargaartaan, kuna yidhi [Eebbe], “Ma qirteen oo ma qaadateen arrintaas ballankeyga ah?” oo dheheen, “Waan qirnay [oggolaanay],” markaas ku yidhi, “Marag ka noqda Anna la jirkiina yaan ka mid noqon kuwa marag kici.”
  2. Ruuxiise jeedsada intaas kadib kuwaasi waa kuwo faasiqiin ah.
  3. Ma Diinta Eebbe waxaan ahayn yey rabaan isagoo u hoggaansamay waxa samaawaadka iyo dhulka ku sugan oggolaan iyo ikraahba xaggiisaana loo celin [dadka].
  4. Waxaad dhahdaa, “Waxaan rumaynay Eebbe iyo waxa nalagu soo dajiyey iyo waxa lagu soo dajiyey [Nabi] Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub, faracyadii, wixii la siiyey Muuse, Ciise iyo Nabiyadii xagga Eebbahood kala bixin mayno dhexdooda, annaguna Eebbaan u hoggaansameynaa.”
  5. Ruuxii doona diin aan Islaamka ahayn laga aqbali maayo, Aakhirana wuxuu noqon kuwa khasaaray.

 

Waxay aayaduhu caddayn in Eebbe ballan adag ka qaaday Nabiyada inay is-rumeeyaan isuna gargaaraan, siduu ballan uga qaaday in hadday haleelaan Nabiga Muxamed ah u rumeeyaan uguna gargaaraan, ayna aqbaleen, ciddii ka leexatana ay xumaan, xaqna ma aha in waxaan Diinta Islaamka ahayn la doono, illee Eebbaa wax kastaa u hoggaansamaye waana in la rumeeyo Nabiyada Eebbe dhammaantood lana kala saarin, diin aan Islaamka ahayn ruuxii doonana wax lagama aqbalo wuuna khasaari Aakhiro, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ruuxii camal fala waxaan haysanno waxaan ahayn waa lagu celin.” Waa saxiix. Aali-Cimraan (81-85)

 

  1. Sidee u hanuunin Eebbe qawm gaaloobay rumayn kadib, oo qiray in Rasuulku xaq yahay una yimaadeen xujooyin? Eebbana ma hanuuniyo qawm daalimiin ah.
  2. Kuwaas abaalkoodu waa lacnad Eebboo korkooda ah iyo malaa‘igta iyo dadka dhammaantiis.
  3. Wayna ku waari [ciqaabtooda] dhexdeeda lagamana fududeeyo cadaabka lamana sugo.
  4. Kuwa tawbad keena intaas kadib mooyee oo wanaajiya Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.
  5. Kuwa gaalooba rumayn kadib, markaas kororsada gaalnimo lagama aqbalo tawbadooda kuwaasina waa kuwa dhumay.
  6. Kuwii gaaloobay oo dhintay iyagoo gaalo ah lagama aqbalo mid kamid ah dhulka muggii oo dahab ah hadduu isku furto, kuwaasina waxaa u sugnaaday cadaab daran, wax u gargaarana ma leh.

 

Eebbaan ka magan galnay dhumid hanuun kadib. Waxay soo dageen aayaduhu mar nin reer Madiina ahaa islaamay haddana gaalnimo u noqday haddana qoomameeyay oo cidduu warsaday inuu tawbad leeyahay iyo in kale, wuxuuna mudan ruuxii islaanimo kadib laabta ciqaab daran oo uu ku waari, ciddiise tawbad keenta wuu ka aqbali Eebbe una dhaafi dambiga. Ciddiise kusii madax-adaygta gaalnimada oo sii korarsata tawbad lagama aqbalo wayna baadiyoobeen, ciddii saas ku dhimatana lagama aqbalo dhulka muggiis oo dahab ah hadduu isku furto, wuxuuna mudan cadaab daran, wax u gargaarina ma jiro. Waxaa sugnaaday in mid ehlu-Naarka ah loo dhihi Qiyaamada, “Ka warran haddaad leedahay waxa dhulka ku sugan maysku furan lahayd?” Markaasuu dhihi, “Haa.” Markaasuu Eebbe dhihi, “Wax ka fudud yaan kaa doonay oo ballan kaaga qaaday duudkii Nabi Aadam waa inaadan ii shariik yeelin (ila caabudin wax kale) waadna diidday gaalnimo mooyee.” Basaar. Aali-Cimran (86-91)

 

  1. Ma gaadhaan sama-fal intaad wax ka bixisaan waxaad jeceshihiin, waxaad bixisaana Eebbe waa ogyahay.
  2. Cuntada dhammaanteed xalaal bay u ahayd Banii Israa‘iil wuxuu ka reebay Israa‘iil naftiisa mooyee, soo degiddii Tawreed ka hor, waxaad dhahdaa, “Keena Tawreed oo akhriya haddaad runlow tihiin.”
  3. Ruuxii ku been-abuurta Eebbe korkiisa intaas kadib kuwaasu waa uun daalimiin.
  4. Waxaad dhahdaa, “Run buu sheegay Eebbe, ee raaca Milladda Ibraahiim [jidkiisii] isagoo toosan, kamana mid ahayn mushrikiinta.”

 

Aayaddu waxay caddayn inaan wanaagga dhabta ah la gaadhayn inta laga bixiyo waxa la jecel yahay qaarkiis, markay aayaddu soo degtay yaa Abuu Dalxa beertiisii sadaqaystay, markaasaa Nabigu faray (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu qaraabadiisa ku sadaqaysto, markaasuu u qaybiyey. Tan kale waxay ahayd Yuhuud tahayna Xaq-diidayaal warsi iyo xujo badan, waxayna Nabiga warsadeen wixii ka reebbanaa Israa‘iil oo cunno ahaa, wuxuuna Eebbe u sheegay in cunnadu xalaal u ahayd wuxuu isagu iska reebay mooyee, Tawreed ka hor, ee ha akhriyeen Tawreed hadday run sheegi, ciddiise been-abuurta waa daalimad, Eebbana run buu sheegay ee halla raaco waddadii Nabi Ibraahiim oo ah Diinta Islaamka ah, gaalana wax isuma ahayn Nabi Ibraahiim. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Israa‘iil  (waa Yacquub) wuxuu ku nadray hadduu Eebbe caafiyo inuusan cunin xubnaha qaarkood isaga iyo carruurtiisu.” Aali-Cimraan (92-95)

 

  1. Guriga ugu horreeyey ee loo soo dejiyey dadka waa kan Makka [Kacbada] waana barakaysan yahay waana hanuunka caalamka.
  2. Waxaa ku sugan aayaad cadcad, Maqaamu Ibraahiimna [waa ku yaal], ruuxii galana wuxuu ahaan aamin, Eebbana wuxuu ku leeyahay dadka Xajka Baytka ruuxii kara waddada. Ruuxii gaaloobana Eebbe waa ka kaaftoon yahay caalamka.
  3. Waxaad dhahdaa, “Ehlu-Kitaabow, maxaad uga gaaloobaysaan aayaadka Eebbe, isagoo Eebbana marag u yahay waxaad camal falaysaan?”
  4. “Ehlu-Kitaabow, maxaad uga celinaysaan dadka Eebbe ruuxii rumeyn idinkoo la dooni [Xaqa] qallooc idinkoo marag ah? Eebbana ma halmaansana waxaad falaysaan.”

 

Eebbe wuxuu sheegi in guriga ugu horreeyey in Eebbe lagu caabudo uu yahay Kacbada, Eebbana waa sharrifay Baytkaas iyo Masaajidka Barakaysan ee Makka, waxaana ku sugan aayado waaweyn oo ka mid yahay Maqaamu Ibraahiim, ciddii gashana waa aamin, Eebbana dadka wuxuu ku waajibiyey ciddii karta inay u Xajiyaan Baytkaas, ciddii iska diidda isagoo karana Eebbe waa ka kaaftoon yahay gaalo. Abuu Dar waxaa laga wariyey inuu yidhi, “Waxaan idhi, ‘Rasuulka Allow masaajidkee u horreeyey?’ Markaasuu yidhi, ‘Masaajidka Xurmaysan (ee Makka).’ Waxaan idhi, ‘Yaa ku xiga?’ Wuxuu yidhi, ‘Masaajidka Aqsaa (ee Qudsi).’ Waxaan idhi, ‘Immisaa u dhaxaysay?’ Wuxuu yidhi, ‘Afartan.’ Waxaan idhi, ‘Yaa ku xigay?’ Wuxuuna yidhi, ‘Meeshii salaadi kugu haleeshaba ku tuko dhammaan waa masaajidee.’” Imaam Axmed. Yuhuud iyo Nasaarana Xaqay ka gaaloobi iyagoo arka, kana leexin dadka, ayna ceebayni oo qalloocin, waana wax la-yaab leh inay saasu caado u tahay. Maantadan aan joogno waxay Muslimiinta iyo Diinta Islaamka ku hayaan wax la halmaami karo ma aha. Aali-Cimraan (96-99)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, haddaad adeecdaan [maqashaan] koox ka mid ah kuwa la siiyey Kitaabka [Yuhuud iyo Nasaara] waxay idiin celin iimaankiinna kadib gaalnimo.
  2. Seed u gaaloobaysaan idinkoo laydinku kor akhrin aayaadka Eebbe dhexdiinnana joogo Rasuulkiisii? Ruuxii cuskada Eebbe [oo ka dhawrsada] waxaa lagu hanuuniyey Jidka Toosan.
  3. Kuwa [Xaqa] rumeeyow ka dhawrsada Eebbe dhawrsashadiisa xaqa ah, hana dhimanina idinkoon Muslim ahayn.
  4. Qabsada Xadhigga Eebbe [Islaamka] dhammaantiin hana kala tagina, xusana Nicmada Eebbe ee korkiinna ah, markaad col ahaydeen oos isu dumay quluubtiinna ood noqoteen Nicmada Eebbe darteed walaalo, idinkoo ahaa qar god Naar ah, oos idinka koriyey xaggeeda, saasuu idiinku caddayn Eebbe aayaadkiisii si aad u hanuuntaan.

 

Eebbe wuxuu sheegay in hadday mu‘miniintu maqlaan warka gaalada ay xasdi Jidka Xaqa ahna ka leexin, maxaa yeelay gaaladu waa colka mu‘miniinta waxayna ku dadaali say u gaalayn lahaayeen, mana habboona in la gaaloobo iyadoo Xaqa la haysto oo cad yahay. Tan kale waa in Eebbe la cuskadaa, cibaado dhab ahna la caabudaa, Muslimnimana lagu dhintaa, lana qabsado dhammaan Xadhigga Eebbe oon lana kala tagin, lana xusuusnaado side Eebbe isagu soo dumay qalbiga Muslimiinta iyagoo col ahaan jiray, ku dhicid Naareedna u dhawaa kana koriyey, una caddeeyay aayaadka Eebbe si ay u hanuunaan. Waxaa sugnaatay, dhawrsashada Eebbe waa in la adeecoon la caasiyin, laguna mahdiyaa lagana gaaloobin lana xusoo la halmaamin. Xaakim. Tilmaanta Qur’aankuna waxaa ka mid ah, inuu yahay Xadhiggii Eebbe ee Adkaa iyo Jidkiisii Toosnaa, waxaase loo baahan yahay walaalnimo, isku-duubnaan, Xaq-raacid, gaalo ka-digtoonaan iyo toosnaan. Aali-Cimraan (100-103)

 

  1. Ha laydinka helo ummad u yeedha khayrka oo fari wanaagga oo ka reebta waxa la naco [xumaanta] kuwaasina waa uun kuwa liibaanay.
  2. Hana noqonina kuwa kala tagay oo kale ee is-khilaafay intay u yimaadeen xujooyin kadib kuwaasina waa kuwa cadaab weyn u sugnaaday.
  3. Maalintay caddaan [nuuri] wajiyaal oyna madoobaan [doorsoomi] wajiyaal, kuway madoobaato wajiyadoodu [waxaa lagu dhihi], “Miyaad gaalowdeen rumeyntiinnii kadib, dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinnii darted?”
  4. Kuwuu caddaado [nuuro] wajigoodu naxariista Eebbe dhexdeeday ku waarayaan.
  5. Taasi waa aayaadkii Eebbe oon ugu akhriyeynaa korkaaga si xaq ah, Eebbana ma aha mid la doona dulmi caalamka.
  6. Eebbe waxaa u sugnaaday waxa samaawaadka iyo dhulka ku sugan, xaggiisaana loo celiyaa umuuraha.

 

Ummadan Muslimka ah wuxuu Eebbe faray inay khayrka u yeedhaan, wanaaggana faraan xumaanta reebaan, si ay u liibaanaan, oyna ka figaadaan kala tag iyo is-khilaaf, iyagoo Xaq u yimid, si ayna ula mid noqonin gaalada cadaab daran mutay. Maalinta Qiyaamana wajiyada mu‘miniintuna way dhalaali, kuwa gaaladuna way doorsoomi oo madoobaan, mu‘miniintuna Jannay ku waari, gaaladuna Naar bay dhadhamin, aayaadka Eebbana waa xaq sugan, isagaana iska leh xukunka samooyinka iyo dhulka, umuuraha oo dhanna xaggiisaa loo celin, fadli badan yaana kusoo arooray khayrkoo lays faro iyo xumaanta oo layska reebo, waana tiirka Diinta Islaamka, laguna sharrifay ummadan Muxammadiyada ah.

Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Ruuxii arkaa xumaan haku dooriyo gacanta, hadduusan karin carrabka, hadduusan karin qalbiga, waana iimaanka u tabar yar.” Muslim. Mar kale wuxuu yidhi, “Eebbaan ku dhaartee wanaaggaad faraysaan oo xumantaanad reebaysaan ama wuxuu Eebbe u dhawyahay inuu idinku diro ciqaab agtiisa ah, ood baridaan oosan idin ajiibin.” Axmed iyo kuwa kale. Taasina waxay ku tusin ahmiyadda umuurtaas iyo in ummaddii ka tagtaa ay mudan ciqaab halaag. Aali-Cimraan (104-109)

 

  1. Waxaad tihiin ummadda u khayroon ee loo soo bixiyey dadka, waxaad fartaan wanaagga waxaadna ka reebtaan xumaanta waxaadna rumeysaan Eebbe, hadday rumeeyaan ehlu-Kitaabku [Xaqa] saasaa u khayr roonaan lahayd, waxaa ka mid ah mu’miniin, badankoodna waa faasiqiin.
  2. Idin wax yeellayn mahayaan wax dhib ah mooyee, hadday idin la dagaallamaana waxay idiin jeedin dabada [way carari] loona gargaari maayo.
  3. Waxaana lagu qadaray korkooda dulli meel kastooy joogaanba, xadhig Eebbe iyo xadhig dad mooyee, waxayna la noqdaan cadho Eebbe, waxaana lagu qadaray miskiinimo, waxaana ugu wacan inay ka gaaloobaan aayaadka Eebbe dilayaanna Nabiyada xaq-darro, waxaana ugu wacan caasinimadooda iyo xadgudubkooda.

 

Eebbe wuxuu sheegay in Ummadda Muxammadiyada ah u khayr badan tahay ummadaha, maxaa yeelay wanaaggay faraan, xumaantana way reebaan, Eebbana way rumeeyaan. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Annagaa ugu dambeyna dadka uguna horayn Qiyaamada, uguna hor gali Jannada, in kastoo horteen la siiyey Kitaab inagana kadib layna siiyey, waxaana Eebbe nagu hanuuniyey waxay isku khilaafeen oo Xaq ah, maantana way isku khilaafeen, dadkuna innagay ina raacaan, barri Yuhuud baa leh, barri dambana Nasaara.” Waxaa wariyey Abuu Yaclaa. Xumaanta Yuhuud iyo sida loo dulleeyeyna wax badan yuu Qur’aanku ka warramay, hadday Muslimiin dhab ah la dagaallamaanna way jabi ooy carari, dulli baana lagu qaddaray iyo cadho Eebbe, illeen aayaadka Eebbe yey beeniyeene oo anbiyaday xaq-darro ku dili jireen oo waxay la imaanayeen xumaan iyo xad-gudub. Haddaanse aragno inay gaaladu ayaamahan isugu tageen Muslimiinta dhulkii Islaamkana qabsadeen dadkiina laayeen taas waxaa sababay Muslimiinta oon Jahaad dhab ah jahaadin, si xaq ahna u raacin amarka Eebbe, markayse si dhab ah Eebbe u adeecaan xadhigga Eebbana wada qabsadaan shaki ma laha inay adkaan, xaqoodana soo ceshan, caalamkuna khayr ku hoggaamin sida Eebbe ballan qaaday. Aali-Cimraan (110-112)

 

  1. Isku mid ma aha, ehlu-Kitaabka waxaa ka mid ah ummad u taagan [Xaqa] oo akhrida aayaadka Eebbe saacadaha habeenka iyagoo sujuudsan, [waa Cabdullaahi binu Salaam iyo saaxiibbadiis].
  2. Rumeynna Eebbe iyo Maalinta Dambe farana wanaagga kana reeba waxa la naco [xun] una dagdagi wanaagga, kuwaasi waxay kamid yihiin kuwa suubban.
  3. Waxay falaan oo khayr ah lagama qariyo [dayaco], Eebbana waa ogyahay kuwa dhawrsada.
  4. Kuwa gaaloobay kama kaafido xoolahoodu iyo carruurtoodu Eebbe xaggiisa waxba, kuwaasuna waa ehelka Naarta wayna ku dhex waari.
  5. Waxay bixiyaan noloshan adduunna waxay la mid tahay dabayl qabow [daran] oo ku dhacday beer qawm dulmiyey naftooda ooy halaagtay, ma dulmiyin Eebbe iyagaase naftooda dulmiyey.

 

Marka Qur’aanku ehlu-Kitaabka wax ka sheegi wuxuu u jeedaa kuwa Xaqa ka leexday, hase yeeshee kuwa rumeeyey Xaqa sida saxaabigii Cabdullaahi binu Salaam iyo saaxiibbadiisii kale, kuwaasoo Eebbe ku tilmaamay aayadahan camalkoodii iyo waxa Eebbe ku abaal marin oo wanaag ah, kuwa Xaqa ka gaaloobayse waxba uma taraan xoolo iyo carruuru, waxayna mudan Naar, waxay adduunka ku bixiyeenna waxuu la mid yahay beer dabayl darani halaagtay, Eebbana cidna ma dulmiyo ee dadku iyagaa naftooda dulmiya, camalka fiican ee layska abaal marin waxaa u shardi ah Eebbe-rumeyn iyo Xaq-raacid, iyo toosnaan, haddii kale waxay noqon wax-kama-jiraan iyo luggooyo. Aali-Cimraan (113-117)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, haka yeelanina saaxiib [hoose] wax idinka soo hadhay, kuma gabood falaan fasaadintiinna waxayna jecel yihiin dhibkiinna, waxay ka muuqataa cadhadu afkooda, waxay qarsan laabahoodu yaa ka weyn, waan idiin caddaynay aayaadka haddaad wax kasaysaan.
  2. Idinkani waad jeceshihiin iyaguna idinma jecla, waxaadna rumeysaan Kitaabka dhammaantiis, hadday idin la kulmaanna waxay dhahaan waannu rumeynay hadday kaliyoobaanna waxay idiin qaaniinaan xubnaha [faraha] cadho darteed, waxaad dhahdaa, “Ku dhinta cadhadiinna, Eebbana waa ogyahay waxa laabta ku sugan.”
  3. Hadday idin taabato wanaag way xumeysaa hadday idinku dhacdo xumaanna way ku farxaan, haddaad samirtaan ood dhawrsataan idin kama dhibayso dhagartoodu waxba, Eebbana waxay camal fali wuu koobay.

 

Eebbe Sarreeye wuxuu uga digi mu‘miniinta inay gaalada ka yeeshaan saaxiib gaar ahaaneed ooy sirtooda ku qarsadaan, taasi ma habboona oo gaalo layskuma halleeyo, illeen waa col xumaan kula jecel, marama ka sheega afkooda, inkastoo waxa laabta kaga jiraa ka weyn yahay, arrintaasna waa xaal Eebbe ogaysiiyey mu‘miniinta hadday wax fahmi ooy waana qaadan. Ma aha inaan jeclaanno iyagoo ina neceb, oon rumeynay Xaqa dhammaan iyaguna ka gaaloobeen, oyna khayaani mu‘miniinta ooy wanaag u muujin markay isla joogaan, markay kali noqdaanna cadho faraha inoola qaniini, haku dhinteen cadho, wanaaggeenay ka nixi oo xumaanteenay ku farxi, haddaanse adkeysanno oon toosnaanno dhagartoodu waxba inama yeesho, illeen Eebbaa koobay waxay qarsan ama camal fali oo xumaan ah. Waxaa la sheegay in Cumar binu Khaddaab lagu yidhi, “Waxaa jooga wiil gaal ah oo wax qora ee maad qoraa ka dhigatid.” Markaasuu yidhi, “Ma waxaan ka dhigan saaxiib hoose (bidaano)?” Waxaa ku dhacay Muslimiinta oo dulli iyo kala-tag ah waa markay gaalo saaxiib moodeen, iyaguna colloobeen oy qaybsameen, waase in laga baxo arrintaas. Aali-Cimraan (118-120)

 

  1. [Xusuuso] markaad ka kallahday [tagtay] ehelkaaga adoo u yeeli mu‘miniinta goob dagaal Eebbana waa maqle og.
  2. Markay hamiday [doontay] labo kooxood oo idinka mid ah inay fashilaan [cabsadaan] Eebbana waligooda [gargaarahooda] ahaa ee Eebbe uun ha tala saarteen mu‘miniintu.
  3. Dhab ahaan buu idiin ku gargaaray Eebbe [maalintii] Badar idinkoo dullaysan [tabar yar] ee ka dhawrsada Eebbe waxaadna mudan tihiin inaad ku mahdisaan.
  4. Markaad ku lahayd mu‘miniinta, “Miyuusan idiinku fillayn inuu idinku xoojiyo Eebbihiin saddex kun oo malaa‘ig ah oo soo degi?”
  5. Waa na kaafiyaan ee haddaad samirtaan [adkeysataan] ood dhawrsataan [waydinku fillaan] waxayna idiinku imaan degdaggooda, kaasna waa xoojin Eebbihiin shan kun oo malaa‘ig ah oo calaamaysan.
  6. Uma yeelin Eebbe [arrintaas] bishaaradiinna mooyee iyo inay ku xasisho quluubtiinnu isaga, gargaar aan Eebbe agtiisa ahayna ma jiro ee ah Adkaade Falsan.
  7. Si uu u gooyo [halaago] qayb ka mid ah kuwa gaaloobay ama walbahaariyo oy noqdaan iyagoo khasaaray.

 

Aayadahan wuxuu Eebbe kaga warrami dagaalladii Uxud iyo Badar oo tan hore ahayd bishii Soonfur sanadkii saddexaad ee Hijrada, Uxudna waa buur weyn oo magaalada Madiina xagga waqooyiga ka xigta, Muslimiintana dhib baa ku gaadhay markay khilaafeen amarkii Nabiga, qaarkood oo ka tageen halkay ilaalinayeen, markaas laga soo galay halkaa ilaa Nabiga laga dhaawacay dad badan oo asxaabtii ahna ku shihiideen, taasina waxay ku tusin xumaanta is-khilaafka iyo amarka fiican diidmadiisa waana waxay u waajibtay in laga digtoonaado. Tan kale waa dagaalkii Badar ee weynaa ee Eebbe u gargaaray Muslimiinta xoojiyeyna iyagoo tabar iyo tiraba yaraa, hase yeeshee Eebbaa nasrigiisa iyo malaa‘ig ugu gargaaray, taasina waxay ku tusin in Eebbe u gargaari Muslimiinta markay dhab ahaan Eebbe u adeecaan sharcigiisana ku dhaqmaan, day sida loo jabiyey gaaladii Qureysheed ee kibirka usoo duushay si ay Xaqa u baabi‘iyaan una wax-yeelleeyaan Muslimiinta. Badar waa magaalo u dhaw Madiino dagaalkuna wuxuu ahaa maalin Jimce ah toddobiyo tobanka bisha Soon, sanadkii labaad ee Hijrada, Muslimiintu waxay ahaayeen saddex boqol iyo dhawr iyo toban gaaladuna ilaa kun. Aali-Cimraan (121-127)

 

  1. Waxba amarka kuma lihid [Nabiyow] ama wuu ka tawbad aqbali Eebbe ama wuu cadaabi gaalada, illeen waa daalimiine.
  2. Eebbaa iska leh waxa samooyinka ku sugan iyo waxa dhulka ku sugan, wuxuu u dhaafaa [dambiga] cidduu doono, wuxuuna cadaabaa cidduu doono, Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.
  3. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, ha u cunina ribada laablaab, kana dhawrsada Eebbe, waxaad mudan tihiin inaad liibaantaane.
  4. Kana dhawrsada Naarta loo darbay gaalada.
  5. Adeecana Eebbe iyo Rasuulka, waxaad u dhawdihiin in laydiin naxariistee.
  6. Una degdaga dambi-dhaafka Eebbihiin iyo Janno ballaadhkeedu yahay samaawaadka iyo dhulka oo loo darbay kuwa dhawrsada.
  7. Ee ah kuwa wax bixiya waqtiga ladnaanta iyo dhibkaba, ee damiya cadhada ee iska cafiya dadka, Eebbana waa jecel yahay samafalayaasha.
  8. Kuwa markay falaan xumaan ama dulmiyaan naftooda xusa Eebbe, warsadana dambi-dhaafid dambigooda, wax dambi dhaafana ma jiro Eebbe mooyee, oon daa’imin [xumaantay] faleen iyagoona og.
  9. Kuwaas abaalkoodu waa dambi-dhaafka Eebbahood iyo Jannooyin ay dureeri dhexdeeda wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, waxaa wanaagsan abaalka kuwa camal falay.

 

Gaaladu waxay ka jabiyeen Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) maalintii Uxud dhoosha wayna dakhreen markaasaa dhiiggu dareeray markaasuu yidhi, “Say u liibaani qawm ku falay Nabigooda waxaas isagoo Xaqa u yeedhi?” Markaasay soo dagtay, “Waxba kuma lihid amarka, Eebbaa ku shaqa leh oo ama ka tawbad aqbali ama cadaabi kolley waa daalimiine, illeen isagaa xukunka caalamka iska lehe,” taasina waxay ku tusin in Jahaad iyo camal waajib tahay arrinta dhabteedase Eebbe ku shaqa leeyahay, wuxuu rabana fali cidduu rabana u gargaari. Ribaduna waa xaaraan reebban ama ha yaraato ama ha badnaatee, saan soo sheegnay, waana in Naar laga dhawrsadaa Eebbe iyo Rasuulkiisana la adeeco loona dagdago dambi-dhaaf iyo Janno wayn oo loo darbay kuwa dhawrsaday, ee wax bixiya had walba, ee cadha damiya, cafiyana dadka, wanaaggana sameeya, Eebbana xusa markay dambaabaan, dambi-dhaafna Eebbe warsada, illeen waxaan Eebbe ahayn dambi ma dhaafee, oon xumaanta daa‘imin, waxaana lagu abaal marin dambi-dhaaf iyo Jannooyin ay ku waari loona darbay kuwa camalka fiican. Saas darteed waa in wanaagga lagu dadaalo xumaantana laga fogaado. Aali-Cimraan (128-136)

 

  1. Waxaa dhab ahaan u tagay hortood sunno [waddo] ee socda dhulka oo eega siday noqotay cidhibtii beeniyayaashii.
  2. Kaasi waa caddayn dadka waana hanuun iyo waanada kuwa dhawrsada.
  3. Ha tabar yaraanina hana murugoonina idinkaa sarreyn haddaad tihiin mu‘miniine.
  4. Hadduu idin taabtay dhib [dhaawac] dhab ahaan buu u taabtay qawmkana dhib la mid ah, waana saas adduunyadu waxaannu ku kala wareejinnaa dadka dhexdiisa iyo in Eebbe muujiyo kuwa rumeeyey kana yeesho xaggiinna marag, Eebbana ma jecla daalimiinta.
  5. Iyo inuu imtixaamo kuwa rumeeyey tirtirana gaalada.
  6. Ma waxaad u maleyseen inaad galaysaan Jannada isagoon muujinin Eebbe kuwa jahaaday oo idinka mid ah oosan muujinin kuwa samra?
  7. Dhab ahaan waxaad u ahaydeen kuwa jecel geerida ka hor la kulankeeda, waadna aragteen geeridii idinkoo fiirin.

 

Eebbe wuxuu u sheegay mu‘miniinta dagaalkii Uxud kadib inuu imtixaankan oo kale u horreeyey ummadihii hore, Qur’aankuna hanuun iyo waano yahay, in la cabsado oo la tabar yaraado ama la walbahaarana ayna habboonayn, maxaa yeelay waxaa guusha ku dambeyn mu‘miniinta dhabta ah, hadduu dil iyo dhaawac idin taabtayna iyagaba wuu taabtay waana sidaas sunnada Eebbe inay marba ruux ku dhacdo masiibadu, waana imtixaan, mana suurowdo in Janno la galo imtixaan la‘aan, mana aha in Jahaadka iyo ku-shihiidkiisa la jeclaado marka gaalada lala kulmana la cabsado. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ha jeclaanina la-kulanka colka, ee warsada Eebbe caafimaad, markaad la kulantaanna adkaysta oo ogaada in Jannadu tahay hooska seefaha hoostiisa.” Saxiix. Aali-Cimraan (137-143)

 

  1. [Nabi] Muxamadna ma aha waxaan Rasuul ahayn, waxaa tagey hortiis Rasuullo, ee hadduu dhinto ama la dilo ma waxaad u gaddoomaysaan cidhibtiinnii [dib]? Ruuxii u gaddooma cidhibtiisii [gaalooba] kama dhibo Eebbe waxba, wuuna abaal marin kuwa ku shukriya.
  2. Nafna ma aha tii dhimata idanka Eebbe la’aantiis, waa kitaab muddeysan, ruuxii doona abaalka adduunyo wax baan ka siineynaa, ruuxii doona abaalka Aakhirana wax baan ka siinnaa, waxaana abaal marin kuwa shukriya.
  3. Imisa Nabi la dilay ooy la jireen culimo dagaallami oo badan, oyna cabsanin wax ku dhacay Jidka Eebbe dartiis, tabarna yareynin, dulloobinna, Eebbana waa jecel yahay kuwa samra.
  4. Mana aha hadalkoodu waxaan ahayn, “Eebbow noo dhaaf dambigannaga iyo xadgudubkannaga amarkanaga, sugna gomadahannaga noogana gargaar qawmka gaalada ah.”
  5. Markaasuu siiyey Eebbe abaalka adduunyo iyo wanaagga abaalka Aakhiro, Eebbana wuxuu jecel yahay sama-falayaasha.

 

Maalintii Uxud markuu dhib gaadhay Muslimiinta yaa Iagu dhawaaqay in la dilay Nabigii (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) waxaana jirtay in la dhaawacay, markaasay naxeen oo walbahaareen Muslimiintii markaasay soo dagtay aayaddu. Cid walbana way dhiman waxaase hadhi Eebbe, Nabiyadii horana waa kuwii dhintay, waxaase loo baahan yahay adkaysi iyo samir iyo doonid abaal-marinta Eebbe ee wanaagsan, ee ma bannaana in la shakiyo ama la walbahaaro oo la tabar-yareeyo. Aayaddana waxaa akhriyey Abuu Bakar maalintii Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) geeriyooday, markuu u yimid Cumar oo dadka la hadli, oo leh, “Car waa ruuxii sheega in Nabigii dhintay.” Markaasuu Abuu Bakar khudbad akhriyey isagoo leh, “Ruuxii Nabi Muxamed caabudayayoow Muxamed wuu dhintay, ruuxii Eebbe caabudayeyna Eebbe waa nool yahay mana dhimanayo.” Taasina waxay ku tusin fadliga Abuu Bakar iyo xaq ku sugnaantiisa, saasaana looga baahan yahay mu‘minka inuu Xaqa ku sugnaado had iyo jeer iyo si walba. Aali-Cimraan (144-148)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, haddaad addeecdaan [maqashaan] kuwa gaaloobay waxay idiin celin cidhibtiinna, markaasaad noqonaysaan idinkoo khasaaray.
  2. Eebbaase gargaarihiinna ah, isagaana ugu khayr roon gargaare.
  3. Waxaan ku tuuraynaa quluubta kuwa gaaloobay argaggax la-wadaajintooda Eebbe waxaan loo soo dejinin xujo darteed, hoygooduna waa Naar, iyadaana u xun xerada daalimiinta.
  4. Dhab ahaan yuu idiinku rumeeyey Eebbe yaboohiisii markaad ku dhammayneyseen [ku dilayseen] idankiisa, intaad ka cabsataan ood ku murantaan amarka ood caasidaan intuu idin tusiyey waxaad jeceshihiin kadib, waxaa idinka mid ah ruux dooni adduunyo, waxaana idinka mid ah ruux dooni Aakhiro, markaas idinka lilay xagooda si uu idiin imtixaano, dhab ahaanna wuu idiin cafiyey, Eebbena wuu ku fadli leeyahay mu’miniinta.
  5. Markaad koreyseen aydaan milicsanayn cidna, Rasuulkuna idiinka yeedhi gadaashiinna oo idinku dhacay murug la jirto murug [kale] si aydaan ugu walbahaarin wixii idinka tagay iyo wixii idinku dhacay, Eebbana waa ogyahay waxaad falaysaan.

 

Qisada dagaalkii Uxud aad bay aayaduhu uga warrameen, waxayna si fiican u tilmaameen xaalkii Muslimiinta iyo say u xanuunsadeen markay koox kamid ah oo ilaalinaysay colka khilaaftay amarkii Rasuulka, lagana cararay Rasuulkii isagoo ugu yeedhi inay soo joogsadaan. Tan kale war gaal waa inaan la maqlin oon la adeecin illeen waa khasaare. Waxaa sugnaatay in Rasuulku (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ku yidhi Cabdullaahi binu Jubayr iyo kooxdiisii, “Halkan haka tagina, xataa haddaad aragtaan annagoo nala jabiyey hanoo kaalmeynina.” Markey Muslimiintu raayeen yaa kooxdii ka tagtay halkeedii ninkii madaxda u ahaa iyo wax yar mooyee, markaasay gaaladii soo hareereeyeen Muslimiintii. Taasina waxay ku tusin wanaagga isku-duubnida Muslimiinta iyo xumaanta is-khilaafka. Ruuxii doona inuu si fiican u siyaadsado arrintan ha akhriyo kutubta siirada iyo tafsiirada wax badan buu ka heliye. Aali-Cimraan (149-153)

 

  1. Markaas uu kusoo dejiyey korkiinna murug kadib aaminnimo darteed lulmo daboolaysa koox idinka mid ah, kooxna waxaa walaacisay naftooda waxayna u malayn Eebbe male jaahiliyeed waxayna dhihi, “Ma wax baan ku leennahay amarka?” Waxaad dhahdaa, “Amarka dhammaantiis Eebbaa iska leh.” Waxayna ku qarin naftooda waxayna kuu muujinayn iyagoo dhihi, “Haddaan amarka wax ku leennahay nalaguma dileen halkan.” Waxaad dhahdaa, “Haddaad tihiin guryihiinna way usoo bixi lahaayeen kuwa loo qoray geerida halkay seexan [lagu dili],” [saasna wuxuu u falay Eebbe] inuu imtixaano Eebbe waxa laabtiinna ku sugan iyo inuu kala shaandheeyo waxa quluubtiinna ku sugan, Eebbana waa ogyahay waxa laabta ku sugan.
  2. Kuwii jeedsaday oo idinka mid ah maalintay kulmeen labadii col waxaa uun simbiriirixiyey Shaydaan waxay kasbadeen sababtiisa qaarkood wuuna iska cafiyey Eebbe xaggooda Eebbena waa dambi-dhaafe dul badan.

 

Eebbe wuu ku mannaysan addoomadiisa wuxuu kusoo dajiyey mu‘miniinta Uxud oo lulmo ah murug kadib, sidoo kale xasilooni taasina waxay ku tusin sugnaan iyo ku-kalsoonida Eebbe. Ibnu Mascuud waxaa laga wariyey, “Lulmadu dagaalka waxay ka timid Eebbe, salaaddana Shaydaan.” Waxaa sheegay Ibnu Abii Xaatim. Munafiqiintuse waxay la joogeen qas iyo calaacal iyo, “Ma amaraa gacanta noogu jira?” Xaalka Eebbaa iska leh dhammaantiis. Ciddii dagaalka ku dhimatana kolley way usoo bixi lahaayeen halkay ku dhinteen, hase yeeshee wuxuu Eebbe saas u falay imtixaan dartiis, iyo inay caddaadaan kuwa simbiriirixday oo Shaydaan waswaasiyey. Saas darteed waa Eebbe in lagu kalsoonaado, wax fiicanna laga malaysto, walaacin iyo murugeyn mu’miniintana layska jiraa illeen isagaa wax walba awoodee. Muslimiintii hore qaarkood waxay dhihi jireen, “Wanaagga abaalkiisu waa in wanaag lagu waafajiyo, xumaanta abaalkeeduna waa in xumaan kale lagu dhoco.” Runtii qisada Uxud waa imtixaan cad. Aali-Cimraan (154- 155)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, ha noqonina sida kuwa gaaloobay oo ku yidhi walaalahood markay ku safraan dhulka ama duulaan, “Hadday agtannada joogaan ma dhinteen lamana dileen,” si uu uga yeelo arrintaas qoomamo quluubtooda, Eebbana waa Nooleeye iyo Dile, Eebbana waxaad camal falaysaan wuu arkaa.
  2. Haddii laydinku dilo Jidka Eebbe amaad dhimataan dambi-dhaaf Eebbe iyo naxariistiisa yaa idiinka khayr badan waxay kulmin.
  3. Haddaad dhimataan ama laydin dilo xagga Eebbe un baa laydiin celin.
  4. Naxariista Eebbe darteed yaad ugu jilicday haddaadse tahay mid ingagan oo qalbi adag way kaa kala tagi lahaayeen gaararkaada, ee iska cafi una dambi-dhaaf warso, kalana tasho amarka, markaas haddaad wax goosatana talo saaro Eebbe [ku dhaqaaq], Eebbe wuxuu jecel yahay kuwa tala saartee.
  5. Hadduu idin gargaaro Eebbe wax idinka adkaan ma jiro, hadduu idin hoojiyana waa kuma kan idiin gargaari gadaashiis, Eebbe uun ha tala saarteen mu‘miniintu.

 

Rasuulka Muxamed ah (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu Eebbe ugu deeqay dabeeco fiican, saas darteed yey mu‘miniintu ugu soo kulmeen, hadduuse kakan yahay way ka ag carari lahaayeen, saasuuna Eebbe u faray inuu iska cafiyo wixii dhib ah ee kaga yimaada mu’miniinta, una dambi-dhaaf warsado, lana tashado, marka arrin la goostana lagu talaabsado isagoo la talo saaran Eebbe, gargaarna Eebbaa iska leh, hadduu Muslimiinta u gargaaro wax ka adkaan ma jiro, haddii kalena yaa Eebbe kasoo hadhay oo gargaara ah. Mu‘miniintuna waa inayna noqonin sida gaalada oo ciddii meel kusoo dhimata ama Jahaad ku shahiidda ku dhihin, “Hadday nala joogi lahaayeen mayna dhinteen,” taasina waa qoomamo la yeelay quluubtooda, Eebbaase waxna nooleeya waxna dila, si kastood u dhimatana Eebbaa lagu hor keeni, waxaase ka khayr roon waxa la kulmin oo adduunya ah in lagu shahiido Jidka Eebbe si dambi-dhaaf iyo naxariis Eebbe loo helo. Aali-Cimraan (156-160)

 

  1. Kama suurowdo Nabi inuu wax khayaamo, ruuxii wax khayaama wuu la imaan wuxuu khayaamay maalinta Qiyaame, markaas waxaa loo oofin [dhammayn] naf kasta waxay kasbatay lagamana dulmiyo.
  2. Ruux raacay raalli-ahaanshaha Eebbe ma lamid baa ruux la noqday cadho Eebbe hoygiisuna yahay Jahannamo? Iyadaana u xun meel loo noqdo.
  3. Iyagu waa darajaad Eebbe agtiisa, Eebbana waa arkaa waxay fali.
  4. Dhab ahaan buu ugu mannaystay Eebbe mu‘miniinta markuu ka bixiyey dhexdooda Rasuul naftooda ka mid ah kuna akhriyi korkooda aayaadkiisa, daahirinna, barina Kitaabka [Qur’aanka] iyo Xikmadda [Sunnada Nabiga], waxayna ahaayeen horay baadi cad.

 

Khayaamada iyo dhagartu waa ka reebban tahay ruuxa Muslimka ah ama ha ahaato waxa gaalada laga helo ama waxa kale, khayaamadana wuu keeni Qiyaamada saaxiibkeed isagoo xambaarsan, cid walbana waxay la kulmi Qiyaamada waxay kasbatay dulmina ma jiro. Ruux raacay Xaqa Eebbe la mid ma aha mid cadho Alle ku dhacday oo gali Naar, dadkuna waa darajaad oo iskuma qasna Eebbana waa arkaa, mu‘miniintuna wuxuu Eebbe ku mannaystay soo bixinta Rasuulka Muxammed ah (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) iyagoo yaqaannay runtiisa, aaminnimadiisa iyo wanaaggiisaba, kuna akhriyi Qur’aanka, iyo Sunnada Nabiga iyagoo horay baadi u ahaa. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaan garan midkiino imaan Qiyaamada isagoo xambaarsan riti qayliyi markaa uu dhihi, ‘Muxamedow, Muxamedow,’ oon dhihi, ‘Waxba kaagamo hanto Eebbe, waan ku gaadhsiiyey…’” Waa dheer yahay. Waxaana soo arooray wax badan oo ka digi xumaanta khiyaamada iyo cunidda xaq-darro ee xoola kale, haddaadse iska khayaanto ciddaad aragto, ood iska cunto waxaad la kulanto, oodan waxba u aabbayeelin taasi ma Islaam baa? Muslimnimaduna waa toosnaan, Eebbe ka-yaabid, Xaq-raacid, xalaal-cunid, wanaag u-yeedhid, xumaan ka-reebid iyo ku-dhaqan dhab ah Diinta Islaamka. Aali-Cimraan (161-164)

 

  1. Hadday idin asiibtay [idinku dhacday] dhibaato waxaad asiibteen laba-jibbaarkeed [Badar], waxaad dhahdeen, “Xaggee nooga yimid [dhibku]?” Waxaad dhahdaa, “Agta naftiinna,” Eebbana wax kasta wuu karaa.
  2. Waxa idinku dhacay maalintay kulmeen labadii kooxood waa idanka Eebbe iyo inuu muujiyo mu‘miniinta.
  3. Iyo inuu muujiyo kuwa munaafaqoobay oo loo yidhi, “Kaalaya ku dirira Jidka Eebbe ama difaaca,” waxayna dheheen, “Haddaan ognahay dagaal waan idin raaci lahayn,” iyagu gaalnimaday maalintaas uga dhawyihiin rumeyn, waxay ka odhan afkooda waxaan ahayn quluubtooda, Eebbana waa ogyahay waxay qarin.
  4. Waa kuwa ku yidhi walaalahood [munaafiqiintu] iyagoo iska fadhiistay, “Hadday na adeecaan lama dileen,” waxaad dhahdaa, “Ka dhawra naftiinna geeri haddaad run sheegaysaan.”

 

Hadday Muslimiintu qaadan waayeen dhibkii maalintii Uxud iyaba waxay dileen ama qabteen maalintii Badar labo-jibaadh, xaalkuna wuxuu ku dhacay idan Eebbe iyo ogaanshihiis iyo inay kala muuqdaan mu‘miniinta dhabta ah iyo munaafiqiinta, waxaana dhacday in munaafiqiintii iska soo noqotay isagoos hoggaamin munaafaqii Cabdullaahi binu Ubayyi binu Saluul, iyagoo sheegey inayna muuqan waxay u dagaallamaan, Muslimiintuna ku lahayd, “War kaalaya dirira ama badiya muuqaalka.” Saasay ku tageen iyagoo sheegi inaan la laayeen kuwii Jahaadka lagu dilay haddii warkooda la maqlo. Haka celiyeen naftooda geerida hadday run sheegi, taasina waa caadada munaafiqiinta calaacala. Aali-Cimraan (165-168)

 

  1. Hana u malaynina kuwa lagu dilay Jidka Eebbe kuwa dhintay, saas ma aha waxay ku nool yihiin Eebbahood agtiisa laguna arzaaqi.
  2. Iyagoo ku Faraxsan wuxuu siiyey Eebbe oo fadligiisa ah, kuna bishaaraysan kuwaan wali haleelin ee gadaashooda ah inuusan korkooda cabsi iyo murugo [midna] ahayn.
  3. Waxayna ku bishaaraystaan nicmo Eebbe iyo fadli iyo inaan Eebbe dayacayn ajriga mu‘miniinta.
  4. Ee ah kuwa ajiibay [maqlay] Eebbe iyo Rasuulka kadib intuu asiibay dhaawac, kuwa wanaag falay oo kamid ah oo dhawrsaday waxaa u sugnaaday ajir wayn.
  5. Ee ah kuwuu yidhi dadku [gaaladu], “Dadkii baa idiin kulmay ee ka cabsada,” oo u siyaadiyey rumeyn, oy dhaheen, “Kaafiyahannagu waa Ilaahay isagaana u fiican Wakiil.”
  6. Oo noqday nicmo Eebbe iyo fadli oyna taaban xumaan raacayna raalli-ahaanshaha Eebbe, Ilaahayna waa fadli wayn lahaade.
  7. Kaasi waa Shaydaan wuxuuna idinku cabsi galin awliyadiisa [saaxiibbadiis] ee haka cabsanina, ee iga cabsada haddaad mu‘miniin tihiin.

 

Ciddii shahiid lagu dilo wuxuu ku nool yahay Eebbe agtiisa isagoo farxi oo bishaaraysan jecelna in saaxiibbadiisu soo shihiidaan, bishaaro, nicmo iyo ajir yaana u sugnaaday, waana kuwa Eebbe iyo Rasuulka adeeca inta dhib ku dhacay kadib, una adkeystay markii loo kulmay Eebbana cuskaday, lana noqday wanaag iyo rille Eebbe oon kana cabsanin warka Shaydaanka ee Eebbe ka cabsaday. Fadliga shahiidnimada iyo Jihaadka waxaa kusoo arooray wax badan, waxaa ka mid ah, inay arwaaxdoodu ku jirto shimbiro daaqi Jannada oo u dheelmada tiriigyo Carshiga ku xidhan. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “’Waxaa na kaafiya Eebbe, isagaa u fiican Wakiil,’ waxaa yidhi Nabi Ibraahiim markii dabka lagu tuuray iyo Nabi Muxamed markii lagu yidhi ‘Dadkii baa idiin kulmay.’” Waxaa fadliga Jihaadka iyo wanaaggiisa rumeeya kuwa Jidka Eebbe ee xaqa ah ku jahaada. Aali-Cimraan (169-175)

 

  1. Yeyna ku murug galin kuwa u degdegi gaalnimada, iyagu kama dhibaan Eebbe waxba, wuxuu dooni Eebbe inuusan ugu yeelin nasiib aakhiree waxayna mudan cadaab weyn.
  2. Kuwa ku gatay gaalnimo iimaanka kama dhibayaan Eebbe waxba waxayna mudan cadaab daran.
  3. Yeyna u malaynin kuwa gaaloobay inuu sugiddoodu khayr u tahay, waxaannu u sugi uun inay siyaadsadaan dambi, waxayna mudan cadaab dulleeya.
  4. Ma aha Eebbe kii kaga taga mu‘miniinta sidaad tihiin intuu ka kala sooco ka xun iyo kan fiican, mana aha Eebbe kii idin daaliciya [tusiya] waxa maqan, hase yeeshee wuxuu ka dooran Rasuulkiisa cidduu doono ee rumeeya Eebbe iyo Rasuulkiisa, haddaad rumeysaan Xaqa oo dhawrsataan waxaad mudanaysaan ajir weyn.
  5. Yeyna u malaynin kuwa ku bakhayli wuxuu siiyey Eebbe oo fadli ah inay khayr u tahay, shar bayse u tahay waxaana luqunta loo galin waxay ku bakhaylayeen maalinta Qiyaame, Eebbaana iska leh dhaxalka samaawaadka iyo dhulka, Eebbana waxaad camal falaysaan waa ogyahay.

 

Cid gaalowday waxba ha u murgin, waxba Eebbe kama dhibtee, Aakhirana nasiib kuma leh, illeen gaalnimay iimaanka ka doorteene, sugidduna khayr uma aha ee waa dambi badsasho. Adduunkuna waa imtixaan si loo kala sooco kan xun iyo kan fiican, wax og waxa maqanna ma jiro Eebbe mooyee. Wuxuu u doortay Rasuulladiisa cidduu doonay, waase in Xaqa la rumeeyo lana dhawrsado, ku-bakhayl Xaqana khayr ma aha ee waa khasaare, Qiyaamana wuxuu imaan isagoo luqunta ku wada wuxuu ku bakhaylay, Eebbana u hadhi waxa cirka iyo dhulka ku sugan waxa la falina og ee haloo darbado. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Addoonkaan gudan zakada xoolihiisa waxaa laga dhigaa mas bara leh oo raaci oo ka carari oo raaci isagoo dhihi, ‘Waxaan ahay kanzigaagii.’” Markaasuu aayaddan akhriyey Cabdullaahi. Waxaa wariyey Imaam Axmed iyo kuwo kale. Xaqoo la sheegi waayana way noqotaa. Aali-Cimraan (176-180)

 

  1. Dhab ahaan yuu u maqlay Eebbe hadalka kuwii yidhi, “Eebbe waa faqiir annaguna waxaan nahay hodan.” [Waa Yuhuud ha halaagmeene.] Waan qoraynaa waxay dhihi iyo diliddooda Nabiyada ee xaq-darro, waxaan u dhahaynaa, “Dhadhamiya cadaabka gubashada.”
  2. Taasina waa waxay hormarsatay gacmahoodu Eebbana ma aha dulmiyaha addoomada.
  3. Waa kuwa yidhi, “Eebbe wuxuu nagula ballantamay inaanaan rumeyn Rasuul intuu nooga keeno qurbaan [sadaqo] oy cunto naar,” waxaad dhahdaa, “Waxay idiinla yimaadeen Rasuullo hortay xujooyin iyo waxaad sheegteen ee maxaad u disheen haddaad run sheegaysaaan?”
  4. Hadday ku beeniyaan waxaa dhab ahaan loo beeniyey Rasuullo kaa horreeyey oo la yimid xujooyin iyo Kutub iyo Kitaab cad.

 

Yuhuud iyo wixii la mid ah (Eebbe ha dulleeyo) waa af-xun yihiin had iyo jeer intay kaga sheegaan Eebbe inuu faqiir yahay iyaguna hodan yihiin markay maqleen aayadaha sadaqada ku boorrin waase laga abaal marin hadalkaas, oo la cadaabi waxay hor marsadeen darteed, waana beentood in lagula ballamay inaanay rumeynin Rasuul intay sadaqadiisu naaru ka cunto, imisay Rasuullo dileen xujooyinna beeniyeen? Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Markay soo dagtay: ‘Yaa Eebbe amaah fiican amaahiya [wax sadaqaysta]?’ yey Yuhuudu tidhi, ‘Muxammadow, wuu baahday Eebbahaa intuu ka warsado addoomada amaah,’ markaasay soo degtay jawaab ahaan aayadda, ‘Waa maqlay Eebbe kuwii hadalkaa yidhi Eebbe waa faqiir annaguna waxaannu nahay hodan.’” Eebbaa hodan ah wax walbana isagaa awooda dadkuna waa u baahan yihiin, waxa la bixiya dadkay wax u tartaa ee Ilaahay uma baahna, ee waa in laga digtoonaado waddada gaalada, waxna dar Eebbe loo baxsado si dadka baahan loo kaalmeeyo. Aali-Cimraan (181-184)

 

  1. Naf kasta waxay dhadhamin geeri, waxaa uun laydiin oofin ajrigiinna maalinta Qiyaame, ruuxiise laga iilo Naarta oo la galiyo Jannada wuu liibaanay, nolosha adduunna ma aha waxaan raaxo kado ahayn.
  2. Waan idinku imtixaamaynaa xoolihiinna iyo naftiinna waxaadna ka maqlaysaan kuwa la siiyey Kitaabka oo idin ka horreeyey iyo mushrikiinta [gaaladii Carbeed] dhib badan, haddaadse samirtaan ood dhawrsataan, arrintaasu waa umuuraha loo qasdo.
  3. [Xusuuso] markuu qaaday Eebbe ballanka kuwii la siiyey Kitaabka inaad u caddaysaan [Xaqa] dadka oydaan qarinin waxayse ka tuureen dhabarkooda gadaashiis waxayna ku gateen lacag yar, waxaa xun waxay gadan.
  4. Haw maleyn kuwa ku farxa waxay la yimaadaan oo jecel in lagu mahdiyo waxayna falin, haw malayn inay ka nabad-gali cadaabka waxaana u sugnaaday cadaab daran.
  5. Eebbaa iska leh xukunka samaawaadka iyo dhulka, Eebbaana wax kasta kara.

 

Naf walba way dhiman waana la abaalmarin Qiyaamada, liibaan waa Janno la galo iyo Naar laga nabadgalo, xoolo iyo naftana waa laysku imtixaami, gaaladana had iyo jeer dhib baa laga maqlaa waxayse u baahan tahay adkaysi iyo dhawrsasho. Tan kale waa waajib in Xaqa loo caddeeyo dadka oon laga qarinin, ciddiise Xaqa tuurta oo wax kale oon qiima lahayn ku baddalata jecelna in waxay sameeyaan iyo waxayna sameeyninba lagu amaano kuwaasu ma aha kuwo liibaani oo Naar ka kori illeen Eebbaa xukunka iska leh wax walbana karee, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbaan ku dhaartaye, adduunku ma aha marka Aakhiro loo eego midkiin oo farta badda galiyey oo kasoo celiyey mooyee.” Tan kale waa in dadka wax loo sheego lagana qarinin. Nabiguna wuxuu yidhi, “Ruuxii cilmi la warsado oo qariya waxaa lagu xakamayn Qiyaamada xakama Naar ah.” Aali-Cimraan (185-189)

 

  1. Abuuridda samaawaadka iyo dhulka iyo is-khilaafidda habeenka iyo maalinta calaamooyin yaa ugu sugan kuwa caqliga leh.
  2. Ee ah kuwa ku xusa Eebbe taagni iyo fadhi iyo jiifba, oo ku fikira abuuridda samaawaadka iyo dhulka [iyagoo dhihi], “Eebbow umaadan abuurin kan [khalqiga] baadil [ciyaar], waad nazahan tahay ee naga kori cadaabka Naarta.”
  3. “Eebbow adigu ruuxaad galiso Naarta dhab ahaan baad u dullaysay, daalimiintana uma sugnaanin gargaarayaal.”
  4. “Eebbow annagu waxaan maqallay yeedhe u yeedhi iimaanka oo dhihi ‘Rumeeya Eebbihiin’ waana rumeynay, Eebbahannow noo dhaaf dambiyadannada asturna xumaantannada naguna dil la-jirka kuwa baarriga ah [fiican].”
  5. “Eebbahannow na sii waxaad noogu yaboohday Rasuulladaada hanana dulleyn maalinta Qiyaame, Adigu ma baajisid ballane.”

 

Eegidda cirka iyo dhulka, habeenka iyo maalinta waxaa ugu sugan mu’miniinta caqliga leh calaamadda awoodda Eebbe iyo jiridiisa, kuwaas had iyo jeer Eebbe xusa ogna inaan Eebbe ciyaar u abuurin adduunka, kana magan gala Eebbe Naarta, mar hadday Xaqa rumeeyeen iyo inaan Eebbe dulleyn maalintaas. Cirka iyo dhulka, iyo khalqiga kalaba waa in la eego laguna waano qaato, dibna wax looga fikiraa. Xadiith dheer waxaa ku sugnaaday in Bilaal u yimid Nabigoo ooyi markaas uu yidhi, “Maxaa kaa oohin?” Nabiguna yidhi, “Magacaa be’e, maxaan la ooyi waayi? Waxaaba laygu soo dajiyey xalay aayaddan: ‘Abuuridda samooyinka, dhulka iyo is-khilaafidda habeenka iyo maalinta calaamad baa ugu sugan kuwa caqliga leh.’” Wuxuuna yidhi waxaa halaagsamay ciddii akhrida oo fikirin. Waxaa wariyey Ibnu Mardaweyhi. Xasan Basrina wuxuu yidhi, “Fikirku waa muraayadda ku tusin wanaaggaada iyo xumaantaada.” Saas darteed waa in had iyo jeer la fikiraa lana xisaabtamaa, Eebbana lagu xidhnaado, wanaag adduun iyo Aakhirana lagu dadaalaa. Aali-Cimraan (190-194)

 

  1. Wuxuu ku ajiibay Eebbahood, “Annagu ma dayacno camal mid camal falay oo idin kamid ah lab iyo dhaddig, qaarkiin qaar buu ka ahaaday, kuwa hijrooday ee laga bixiyey guryahooda oo lagu dhibay Jidkayga oo dagaallamay oo la dilay waannu asturi xumaannahooda, waxaana galin Jannooyin ay dureeri dhexdeeda wabiyaal, waana abaal marin Eebbe xaggiisa ah, Eebbe agtiisaana abaalmarin wanaagsan tahay.”
  2. Yeyna ku dhagrin ku-gaddoonka kuwa gaaloobay ee dhulka [adduunka].
  3. Waa raaxo yar, kadib hoygoodu waa Jahannamo, iyadaana u xun gogol.
  4. Hase yeeshee kuwa ka dhawrsada Eebbahood waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, waa martiqaad xagga Eebbe ka ahaaday, waxa Eebbe agtiisa ah yaana u khayr roon kuwa baarriga ah [wanaagsan].
  5. Ehlu-Kitaabka waxaa kamid ah mid rumeyn Eebbe iyo waxa laydiin soo dejiyey iyo wixii loo soo dejiyey iyagoo u khushuuci Eebbe kumana gataan aayaadka Eebbe qiimo yar, kuwaas waxaa u sugnaaday ajirkooda Eebbahood agtiis, Eebbana waa degdegtaa xisaabtiisu.
  6. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, samra oo samirtama kuna nagaada dhawridda [xuduudda Islaamka] kana dhawrsada Eebbe, waxaad mudan tihiin inaad liibaantaane.

 

Eebbe ma dayaco camal ruux lab iyo dhaddigba kuwa dar Eebbe u hijrooda ee guryahooda laga bixiyey ee lagu dhibo Jidka Eebbe oo dagaallama oo la dilo Eebbe wuxuu ku abaalmarin dambi-dhaaf iyo Janno. Mana aha in lagu dhagramo gadgaddoonka gaalada iyo shaqadooda adduunyo kanay sameeyeen oo meel heblay gaadheen iyo waxaasay soo saareen, illeen waa wax yar oo Naaru uga dambayso. Kan Eebbe ka dhawrsadaase khayr baa u yaal Eebbe agtiisa, ehlu-Kitaabkana waxaa kamid ah kuwo Xaqa rumeeyey Eebbaana abaal marin, tan kale waa in la adkaysto lana jahaado Islaamkana la ilaaliyo si loo liibaano, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ku-nagaadi Jidka Eebbe maalin yaa ka khayr badan adduunka, iyo waxa ku sugan korkiisa.” Bukhaari. Taasina waxay ku tusin fadliga jahaadka Jidka Eebbe iyo daaficidda xuduudda Islaamka iyo adkeysiga arrintaas yey liibaantu tahay sidaas. Mar kalana Rasuulku (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Laba indhood ma taabato Naari: il u ooyday cabsi Eebbe iyo il bariday iyadoo ilaalin Jidka Eebbe.” Tirmidi. Waana kaas sharafta Jahaad, Muslimiintuna waxaa xoog, sharaf iyo cizzi ugu dambeysay markay ka tageen Jahaadka iyo difaaca xuduudda Islaamka. Aali-Cimraan (195-200)

***

Suurat an-Nisaa’

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Dadow ka dhawrsada Eebbihiina idinka abuuray naf kaliya [Aadam] kana abuuray xaggeeda haweenaydeeda [Xaawo] kana abuuray xaggooda rag badan iyo haweenba, ka dhawrsada Eebbihiinna aad wax isku warsataan iyo qaraabada, Eebbana wuxuu u yahay korkiinna ilaaliye.
  2. Siiya agoonta xoolahooda hana ku baddalina xumaan wanaag, hana cunina xoolahooda la-jirka xoolihiinna, taasina waa dambi weyn.
  3. Haddaad ka cabsataan inaydaan ku caddaalad falin agoonta guursada wixii idiin wanaagsan oo haween ah, labo, saddex iyo afar, haddaad ka cabsataan inaydaan caddaalad falin mid kaliya [guursada] ama waxay hanatay gacmihiinnu, saasaa u dhaw inaydaan jawr faline.
  4. Siiya haweenka meherkooda isagoo waajib ah hadday idiinka raali noqoto wax kamid ah naftoodu cuna idinkoo shifaysan oo kadban.

 

Suuraddu waa suurad weyn oo daryeeli xaqa haweenka iyo agoonta iyo kuwa kale waxayna fari in Eebbe laga dhawrsado illeen waa kan naf kaliya dadka ka abuuraye, taasoo ah Nabi Aadam. Waxaa kaloo beenaalayaashu ka sheegi abuurka dadka waa waxaan jirin, sidoo kale waxay fartay dhawridda xaqa qaraabada, agoonta, guurka oo lagu caddaalad falo haddaan la karayna mid kaliya la guursado, iyo in haweenka la siiyo meherkooda waxay ka raalli noqdaan mooyee, Diinta Islaamkuna wax badan bay ka digtay dhibka agoonta iyo haweenka, waxaa sugnaaday, “U caabud Eebbe sidii adoo arka, haddaadan arkin isagaa ku arkee.” Saas darteed waa in la dhawraa xuquuqda dadka gaar ahaan agoonta oon la cunin xoolahooda loona wanaag falo, iyo haweenka oo la siiyo xaqooda iyo meherkooda lana dulmiyin. An-Nisaa’ (1-4)

 

  1. Ha siinina sufahada [maamuli Karin] xoolahooda ah kuwo idiinka yeelay Eebbe ilaaliye ka quudiya kana arrad-bixiya una dhaha hadal fiican.
  2. Imtixaamana agoonta markay gaadhaan guur haddaad ku aragtaan [ogaataan] rashiidnimo [wanaag] siiya iyaga xoolahooda hana u cunina xad-gudub iyo ka-degdegis intayna weynaan, ruuxii hodan ah ha dhawrsado ruuxii faqiir ahna haka cuno si wanaagsan, markaad u dhiibtaan xoolahooda marag u yeela korkiisa, waana ku filan yahay Eebbe xisaabiye.
  3. Ragga waxaa u sugnaaday qayb kamid ah waxay ka tageen laba waalid iyo qaraabadu haweenkana waxaa u sugnaaday qayb kamid ah waxay ka tageen laba waalid iyo qaraabadu kiisa yar iyo kiisa badanba waa qaddar la waajibiyey.

 

Dadka Muslimka ah waa mid kaliya, waana inay is dhaqaaleeyaan, ciddii xoolo leh oon is-maamuli karin waa in gacanta loogu hayaa, laguna dhaqaaleeyaa, lana imtixaamo markay qaangaadhaan hadday maamuli karaanna loo dhiibo, oon loona cunin xadgudub iyo ka-degdegid weynaansho, ruuxii hodan ah ha dhawrsado, kii faqiir ahna haka cuno si dhawrid ah, marka xoolaha la siinna marag haloo yeelo isagoo Eebbe xisaabiye ku filan yahay. Rag iyo haween mid kastaa qayb buu ku leeyahay waxay ka tagaan waalidkood, ama qaraabadii yaraa iyo badnaaba, waa qadar xukuman. Waxaa sugnaatay in nin u yimid Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuuna ku yidhi, “Waxaan hayaa agoon xoola leh anna xoolo ma lihi ee wax ma ka cunaa>” Wuxuuna ku yidhi, “Ka cun si fiican oon xadgudub ahayn.” Taasina waxay ku tusin dhawridda xuquuqda dadka tabarta yar, iyo ilaalinta arrimahooda, iyo inaan lagu xadgudbin. An-Nisaa’ (5-7)

 

  1. Hadday joogaan qaybta qaraabo, agoon iyo masaakiin [aan dhaxlayn] wax ka siiya una dhaha hadal wanaagsan.
  2. Hana ka cabsadeen kuwa hadday kaga tagaan gadaashooda carruur tabar yar una cabsan lahaa hana ka dhawrsadeen Eebbe hana dheheen hadal toosan.
  3. Kuwa u cunaya xoolaha agoonta dulmi [xaq-darro] waxay uun ku cunayaan calooshooda Naar waxayna gali Saciiro.
  4. Wuxuu idiin dardaarmi Eebbe carruurtiinna kan lab lamid qaybta labo dhaddig, hadday yihiin haween ka sarreeya labo waxay mudan labo dalool wuxuu ka tagay, hadday tahay mid waxay mudan nus, labada waalidna mid kastoo kamid ah wuxuu mudan sudus [lix meelood meel]. Hadduu ka dhintay [ilmahoodu] carruur, hadduu carruur lahayn oy dhaxlayaan labada waalid hooyadu waxay mudan saddex meelood meel, hadduu walaalo leeyahay hooyadu waxay mudan sudus, dardaaranka iyo daynta kadib, aabbayaalkiina iyo wiilashana ma ogidin kooda idinku dhaw nafci, waa faralyeel qaddaraad Eebbe, Ilaahayna waa Oge Falsan.

 

Aayadda hore waxay fari in hadday qaybta joogaan dad aan dhaxalka lahayn oo qaraabo, agoon iyo masaakiin ah wax laga siiyo, tan kalana in la dhaqaaleeyo carruurta tabar yar sidaad u jeceshahay in haddaad ka tagto iyagoo kale loo dhaqaaleeyo, iyo inaan la cunin xoolaha agoonta ciddii cuntana waxay cuni Naar. Aayadda dambana waxay caddaysay dhaxalka waxayna kamid tahay saddexda aayadood ee suuraddan ku sugan ee ka warramay dhaxalka, barashada dhaxalkana waxaa kusoo arooray isku boorrin, sida cilmigu waa saddex waxa kasoo hadhay waa siyaado: Aayad sugan, sunno taagan, ama fariido caadil ah. Waxaa kaloo sugnaaday, “Barta faraa‘isha barana dadka, waa cilmiga nuskiiye, waana la halmaami, waana waxa ugu horreeya ee laga siibi ummaddayda.” Saasaana loo caddeeyey, oo loo muujiyey. An-Nisaa’ (8-11)

*Saddex meelood laba meel oo ah xoolihii marka saddex loo qeybiyay labadiisa.

 

  1. Waxaa idiin sugnaaday nus waxay ka tagaan haweenkiinnu haddayna ilmo lahayn, haddayse lahaayeen ilmo waxaad leedihiin rubuc [afar meelood meel] waxay ka tagaan dardaaran ay dardaarmeen iyo dayn kadib, haweenkuna waxay mudan rubuc waxaad ka tagteen haddaydaan ilmo lahayn, haddaad ilmo leedihiin waxay mudan thumun [siddeed meelood meel] waxaad ka tagtaan, dardaaran aad dardaarmaysaan iyo dayn kadib, hadduu yahay ninku mid la dhaxli waalid iyo ilmo la‘aan ama haweenaydu isagoo leh walaal ama walaashiis mid kasta wuxuu mudan sudus [hadday la hooya yihiin] hadday yihiin wax ka badan intaas waxay wadaagi thuluth [saddex meelood meel] dardaaran la dardaarmo iyo dayn kadib, isagoon dardaaranka cidna lagu dhibayn, waana dardaaran Eebbe, Ilaahayna waa Oge Dulsan.

 

Aayaddanna waa aayadda kale ee caddaysay dhaxalka, iyo in cid walba la siin waxay mudatay marka laga bixiyo dardaaranka iyo daynta, waana arrin Eebbe adkeeyey caddeeyeyna, Rasuulkana (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbe wuxuu siiyay ruux kastaba xaqiisa ee u dardaaran mid wax dhaxli ma jiro.” Waa saxiix. Waxaa kaloo sugnaatay dardaaranka oo laysku dhibo waa dambiyada waaweyn. Saas darteed waa in cid walba la siiyo wixii Eebbe u sugay, dardaaran iyo kala jeclaysina inaan lagu dhibin ruux xaqiis, illeen Eebbaa saas faraye, waana in la maqla amarkiisa si loo liibaano Aakhiro iyo adduunba. An-Nisaa’ (12)

 

  1. Taasi waa xuduud Eebbe, ruuxii adeeca Eebbe iyo Rasuulkiisa wuxuu galin Jannooyin ay dareeri dhexdeeda wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, taasina waa liibaan weyn.
  2. Ruuxiise caasiya Eebbe iyo Rasuulkiisa oo tallaaba xuduuddiisa wuxuu galin Naar isagoo ku waari dhexdeeda, wuxuuna mudan cadaab wax dulleeya.
  3. Kuwa la imaan xumaan [zino] oo haweenkiinna kamid ah, marag uga dhiga afar idin kamid ah, hadday ku marag kacaan ku haya guryaha intay ka disho geeridu ama u yeelo Eebbe waddo.
  4. Labadii la timaadda xumaanta [zinada] oo idin kamid ah dhiba haddayse tawbad keenaan ooy wanaagsanaadaan ka jeedsada xaggooda, Eebbana waa tawbad-aqbale naxariista.

 

Aayadaha lasoo sheegay waxay caddeeyeen qaddar iyo qaybta ruux kasta iyo in Eebbe ruuxba qayb siiyay, u dhawaanshaha ruuxa dhintay iyo dhibaatadiisa wuxuuna faray inaan la tallaabin xuduuddaas Eebbe oon cidna loo badinin midna loo yareynin, waase in loo daayo xukunka Eebbe iyo qaybintiisa, ciddii saas fulisana abaalkeedu waa Janno, tii ka leexatana waxay mudan ciqaab daran iyo cadaab wax dulleeya. Tan kale Islaamku markuu billawday hadday haweenaydu xumaan zino ku kacdo marag baa loo yeeli jiray gurigana way iska joogi jirtay intay ka dhimato ama sharci caddeeyo xaalkeeda, labada kala zinaysatana waxaa lagu ciqaabi jiray dhib aan saas u weynayn, hase yeeshee waxaa kusoo dagay arrintaas xukun ah in ciddii ku kacda xaalkaas isagoo horay wax u guursaday isna arkeen lagu ciqaabi dhagax lagu dilo, kuwaan hadda kahor guursaninna boqol ulood lagu dhufto, saasuu Rasuulku (naxariis iyo nabadgalye Eebbe korkiisa ha yeelee) yidhi, “Iga qaata labada bikaarada ah waa boqol ulood, labada wax guursatayna waa boqol ulood iyo dhagax lagu dilo.” Muslim. An-Nisaa’ (13-16)

 

  1. Tawbada [aqbalkeeda] waxay Eebbe uga ahaatay kuwa fala xumaha iyagoo jaahil ah markaas tawbad keena waqti dhaw kuwaas wuu ka tawbad aqbalaa Eebbe korkooda, Eebbana waa Oge Falsan.
  2. Uma aha tawbaddu ku fala xumaha intuu uga yimaado midkood geeridu markaas dhaha anigu waxaan tawbad keeni hadda, iyo kuwa dhiman iyagoo gaala ah, kuwaas waxaan u darabnay cadaab daran.
  3. Kuwa [Xaqa] rumeeyow idiinma bannaana inaad u dhaxashaan haweenka xoog iyo inaad dhibtaan si aad ula tagtaan [qaadataan] qaar waxaad siiseen inay la yimaadaan xumaan cad mooyee, kulana noolaada si fiican, haddaad kahataan waxaa suurowda inaad kahataan wax uu yeelo Eebbe dhexdiisa khayr badan.
  4. Haddaad doontaan inaad ku baddashaan haweenay mid kale idinkoo siiyey meher [badan] haka qaadanina xaggiisa waxba, ma waxaad qaadanaysaan been iyo dambi cad?
  5. Seed uga qaadanaysaan idinkoo qaarkiin qaar arkay, ood kana qaaddeen ballan adag?
  6. Ha guursanina waxay guursadeen aabbayaashiin wixii hor maray mooyee, waa xumaan iyo wax loo cadhoodo waddana Iyadaa u xun.

 

Dadku wuu dambaabi waase inuu tawbad keeno suginna inta geerida uga imaan Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbe wuu aqbalaa tawbada addonkiisa intaan sakaraadku u imaan.” Mujaahidna wuxuu yidhi, “Cid kastoo Eebbe caasiday waa jaahil intay ka tagto. aayadaha kale waxay caddayn inaan la dulmiyin haweenka, lana dhibin xoolahoodana laga xoogin, waxaa kale oo reebban in la guursado haweenaydii aabbahaa, arrimahaasuna waa reebban yihiin, waana dambi weyn. An-Nisaa’ (17-22)

 

  1. Waxaa laydinka reebay hooyooyinkiin [inaad guursataan] iyo gabdhihiinna, walaalihiin, eeddooyinkiin, habaryarihiin, gabdhaha walaalkaa, gabdhaha walaashaa, hooyooyinka idin nuujiyey, walaalaha nuugmada hooyooyinka haweenkiinna, gabdhaad dhaqaalaysaan, ee haweenkiinna aad is aragteen dhaleen, haddaydaan is-arkin wax dhib ah [danbi] ma saarna korkiinna, haweenka wiilashiinna dhabta ah, iyo inaad kulmisaan labo walaalo ah wixii horay maray mooyee, Eebbana waa u dhaafe naxariista.
  2. [Waxaa kaloo idinka reeban] haweenka la qabo, waxay hantaan gacmihiinnu mooyee Kitaabka Eebbaa korkiinna ah, waxaa laydiin banneeyey waxa kasoo hadhay kuwaas inaad ku dalabtaan xoolahiinna idinkoo dhawrsoon oon xumaan [zino] falin, waxaad ku intifaacdaan xaggooda siiya meherkooda waa qadaraad Eebbe, dhib [dambi] korkiinna ma saarra waxaad isaga raalli noqoteen qadaridda kadib, Eebbana waa Oge Falsan.

 

Aayaddani waxay caddayn waxa ka reebban ninka inuu guursado oo haween ah, Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Waxay ku xarrimantay toddobo nasab, toddobana xigid.” Sidoo kale cidda wax nuujisa iyo tan kula nuugta. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaa ku reebban nuugmada waxa ku reebban nasabka, waase inay ahaato shan nuugmo.” Sidoo kale waxaa reebban haweenay la qabo, Eebbana waa Oge Falsan oo waxa fiican ku toosin dadka. An-Nisaa’ (23-24)

 

  1. Ruuxaan karin oo idin kamid ah awood uu ku guursado haweenka dhawrsoon ee rumeysan [Xaqa] ha guursado waxay hanatay gacmihiinnu oo ah gabdhaha rumeysan [Xaqa] Eebbana waa ogyahay iimaankiinna, qaarkiin qaar buu ka ahaaday, kuna guursada idanka ehelkooda u siiyana ujuurada [meherkooda] si fiican, iyagoo dhawrsoon oo xumaan [zino] ka dheer, saaxiibbana yeelanayn, haddii lagu dhawro [guur] ooy xumaan la yimaadaan korkooda waxaa ah nus waxa ah kuwa xorta ah oo ciqaab ah, arrintaas waa ruuxii ka cabsada zino, oo idin kamid ah, haddaadse samirtaan yaa idiin khayr roon, Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.

 

  1. Wuxuu dooni Eebbe inuu idiin caddeeyo idinkuna hanuuniyo waddadii kuwii idinka horreeyey oo idinka tawbad aqbalo Eebbana waa Oge Falsan.
  2. Eebbe wuxuu dooni inuu idinka tawbad aqbalo waxayse dooni kuwii raacay waxa naftoodu jeceshahay inaad iilataan iilasho wayn.
  3. Wuxuu dooni Eebbe inuu idinka fudeydiyo, waxaase la abuuray dadka isagoo tabar yar.

 

Waa in guurku ahaadaa mid laga fiirsado, oo la guursadaa haweenka xorta ah ee dhawrsoon, haddii tabar loo waayana la guursado kuwa dhawrsoon ood hanataan haddaad xumaan ka yaabtaan, iyagoo la warsan ehelkooda, xumaan hadday falaanna waxaa la ciqaabi nus ciqaabta kuwa xorta ah. Tan kale Eebbe wanaag iyo hanuun yuu inala rabaa iyo fudayd, kuwa xumaanta iyo waxay naftoodu jeceshahay raacayse waxay idinla dooni inaad si weyn u dhuntaan. Wax badan baa kusoo arooray tabaryarida dadka. Xagga cibaadada iyo xagga dooniddaba. An-Nisaa’ (25-28)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow ha cunina xoolihiinna dhexdiinna [si baadil ah, xaaraam ah] inay ganacsi raalli aad tihiin tahay mooyee, hana dilina naftiinna, Eebbe wuxuu idiin yahay naxariistee.
  2. Ciddii u fasha arrintaas colnimo iyo dulmi waxaannu galin doonnaa Naar, arrintaasna Eebbe waa u fududdahay.
  3. Haddaad ka dheeraataan dambiyada waaweyn waxaan idinka reebeynno waxaannu ka asturi xaggiinna xumaantiinna waxaana idin galin meel fiican [sharaf leh].
  4. Ha tamaniyina wuxuu kaga fadilay Eebbe qaarkiin qaar, ragga waxaa u sugnaaday qayb waxay kasbadeen, haweenkana waxaa u sugnaaday qayb waxay kasbadeen, waydiista Eebbe fadligiisa, Eebbana wax kasta waa ogyahay.
  5. Cid kasta waxaan u yeellay kuwo dhaxla waxay ka tageen labada waalid iyo qaraabadu iyo kuwaad guntateen dhaar [is-dhaarsateen] siiya qaybtooda, [oo gargaar ah], Eebbana wax kasta waa u marag.

 

Aayadaha hore waxay caddayn xaaraanimada xoolaha dadka oo xaq-darro lagu cuno ganacsiga xalaasha ah ee lagu heshiiyase waa bannaan yahay, is-dilkuna waa reebban yahay illeen Muslimiintu waa naf kaliyee, ciddii saas fashana waxaa lagu ciqaabi Naar, haddii dambiyada waaweyn laga dhawrsadana Eebbe wuu dhaafi xumaanta kale Jannana wuu galin, xasadka iyo niyad-xumiduna waa la reebay, cid walbase waxaa u bannaan shaqo iyo kasab xalaal ah iyo inuu Eebbe wax warsado, cid walbana mudan waxay waalidku iyo qaraabadu ka tagaan, iyadoo wax laga siin ciddaad is-xidhiidhisaan, dambiyada waaweynna waxaa kamid ah: Gaalnimo, dil xaq-darro ee Muslim, ka-cararka Jahaadka, caasiga waalidka, zino ku-sheegga haweeney dhawrsoon, barashada sixirka, cunidda ribada iyo cunidda xoolaha agoonta. zinada, dhaarta beenta ah, iyo kuwo kale. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Dambiyada waaweyn toddoba waxay uga dhaw yihiin toddobaatan.” An-Nisaa’ (29-33)

 

  1. Raggaa u taagan [maamulka] haweenka, ka-fadilidda Eebbe qaarkood qaar iyo ku-nafaqaynta xoolahooda darteed, [haweenka] wanaagsan way adeecaan ilaaliyaanna maqnaasho ilaalinta Eebbe darteed, kuwaadse ka cabsataan caasinimadooda waaniya, kagana fogaada jiifka edbiyana, hadday idin adeecaanna ha u dalbina korkooda jid [inaad dhibtaan], Eebbana waa Sare Wayn.
  2. Haddaad ka cabsataan is-khilaafka dhexdooda u bixiya xaq-soore ehelkiisa ah iyo xaq-soore ehelkeeda ah, hadday doonaan wanaajinna Eebbe wuu is-waafajin dhexdooda, Eebbana waa Oge Xeeldheer.
  3. Caabuda Eebbe hana la wadaajinina waxba, labada waalidna u wanaag fala, iyo qaraabada, agoonta, masaakiinta, dariska dhaw, dariska durugsan, saaxiibka dhinaca, socotada iyo waxay hanatay gacmihiinnu, Eebbana ma jecla cidda kibirka badan ee faanka badan.

 

Ragga iyo haweenka Eebbaa isu abuuray mid walbana si u abuuray, una yeelay shaqooyin lagu kala habboon yahay sida uurka, nuujinta iyo wixii la mid ah, saas darteed mar haddii meel lagu wada nool yahay waa in ninku ilaaliyaa qoyska oo nafaqeeyaa, oo hoggaamiye u noqdaa, haweeneyda fiicanna waa tan suubban ee dhawrsoon, hadday gaftana waa la waanin, haddii laga noogana waa laga fogaan jiifka, lana edbin, hadday toosnaato wax jid ah laguma leh, hadduu khilaaf yimaadana waxaa loo bixin qaraabada labada dhinac, oo is-waafajin Eebbana waa in la caabudo waxna lala wadaajin, loona samo-falo waalidka, qaraabada, agoonta, masaakiinta, dariska dhaw, dariska durugsan, saaxiibka dhabta ah, socotoda, iyo waxa gacmahooda ku hoos jira. Kibir iyo faanna Eebbe ma jecla. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaa ku wareega ehelka Muxamed haween ka sheegan raggooda, raggaasina ma aha kuwo fiican.” Abuu Daawuud. Bal day aayadahan sida Islaamka ugu dadaali wanaagga, heshiiska, naxariista, iyo is-dhaqaalaynta iyo is-taakulaynta. Saaxiibka u fiican waa kan u fiican saaxiibkii. Imaam Axmed. Taasina waxay dharbaaxo ku tahay kuwa Islaamka iyo haweenkiisa wax ka sheega een wax kasayn. An-Nisaa’ (34-36)

 

  1. Oo ah kuwa bakhayla farana dadka bakhaylnimo, qarinna wuxuu siiyey Eebbe oo fadli ah, waxaana u darabnay gaalada cadaab wax dulleeya.
  2. Iyo kuwa u bixiya xoolahooda is-tuska dadka oon rumeyn Eebbe iyo Maalinta Dambe, ruuxii Shaydaan u noqdo saaxiib wuu xumaaday saaxiibkiis.
  3. Maxaa korkooda ah hadday rumeeyaan Eebbe iyo Maalinta Dambe oy bixiyaan qayb wuxuu ku arzuqay Eebbe? Ilaahayna waa ogyahay iyaga.
  4. Eebbe ma dulmiyo wax la eg darro [wax yar] hadday wanaag tahayna wuu laablaabaa wuuna ka siin agtiisa ajir weyn.
  5. Ee say ahaan markaan ka keenno ummad kasta marag oon kuu keenno adigana [Nabiga] kuwaas korkooda marag?
  6. Maalintaas waxay jeclaan kuwii gaaloobay oo caasiyey Rasuulka in lala simo [liqo] dhulka kamana qariyaan Eebbe hadal.

 

Bakhaylnimadu waa ceeb waana la caayey, waxaabase kasii daran inaad fartid dadka bakhaylnimo, waana inaad Xaqa wax ku bixin weydo, ama qariso wax wanaag ah ee Eebbe ku siiyey ama wax u bixiso is-tustus aadan dar Eebbe u bixinin, kuwaas Shaydaan baa ka saaxiib yeeshay, cidduu la saaxiibana way khasaartay, waase in la rumeeyo Eebbe iyo Qiyaamada waxna la baxsado, illeen Eebbe dadka kama dulmiyo wax yarnee, hadday wanaag tahayna wuu u laablaabi oo siin ajir weyn, xaalkuse sees noqon marka ummad walba marag loo keeno, Nabigana marag loogu keeno ummaddiisa? Maalintaas gaalada Rasuulka caasiday waxay jeclaan in dhulku la go‘o, cid wax ka qarin Eebbana ma jirto. Waxaa sugnaaday marka Eebbe u nicmeeyo addoon wuxuu jecel yahay inay ka muuqato raadkeedu. Cabdullaahi binu Mascuud wuxuu yidhi, “Rasuulkaa i yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeele), ‘Igu akhri Qur’aanka.’ Markaasaan idhi, ‘Ma waxaan kugu akhriyaa adoo lagugu soo dajiyey?’ Markaasuu yidhi, ‘Waxaan jeclahay inaan cid kale ka maqlo.’ Markaasaan ku akhriyey Suuratu Nisaa’ intaan ka gaadho, ‘Say ahaan markaan uga keenno ummad kasta marag?’ Markaasuu yidhi, ‘Waa ku filan tahay,’ isagoy indhihiisu ilmayn.” Bukhaari. An-Nisaa’ (37-42)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, haw dhawaanina salaadda idinkoo sakhraansan intaad ka garataan waxaad dhahaysaan, iyo idinkoo junub ah inaad jid gudbaysaan mooyee intaad ka maydhataan, haddaad tihiin kuwa buka ama safar ah ama ka yimid ruux idin kamid ah kortag, ama taabataan haweeneey aadanna helayn biyo ku gagabaysta carro wanaagsan, kuna masaxa [mariya] wajiyadiinna iyo gacmihiinna, Eebbana waa cafiye dambi dhaafa.
  2. Ka warran kuwa la siiyey qayb Kitaabka ah [Tawreed] oo gadan baadi doonina inaad ka dhuntaan Jidka?
  3. Eebbaa og colkiinna, waxaana ku filan Eebbe, wuxuuna ugu filan yahay Eebbe Gargaare.
  4. Kuwii yahuudoobay waxay ka leexin kalimooyinka meelahooda waxayna dhihi, “Waan maqalnay oon caasinay, maqla ha maqlinee,” waxayna [dhihi], “Na ilaali,” iilid carrabkooda iyo durid Diinta [Islaamka] darteed, hadday dhahaan, “Waan maqalnay waana adeecnay ee maqal na dayna,” saasaa u khayr roonaan lahayd una toosnaan lahayd, laakiin waxaa lacnaday Eebbe gaalnimadooda darteed mana rumeeyaan wax yar mooyee.

 

Ruuxaan kasayn wuxuu ku hadli ma bannaana inuu salaadda galo, sidii kuwii tukanaayey iyagoo wax maskaxda dooriyey cabba, tan kale Eebbe ma cidhiidhyin Muslimka, oo cidda junubta, ama jirran, ama safar ah, ama kortaga, ama haween taabta oon biyo helin wuu gagabaysan, taasoo ah inuu carrada wajiga iyo gacmaha mariyo, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Dhulka masjid baa nalooga dhigay carradiisana daahir.” Aayadaha kale waxay ka warrami Yuhuud iyo xumaantooda iyo say Xaqa uga leexdeen, una leexiyeen, haddallo xun iyo dhibna ay ugu hadlaan. Taasina waa waxa Eebbe ku nacladay uguna cadhooday, waana caado ay iska leeyihiin oy iska dhaxleen Xaq-diidka iyo xumaan-jacaylka. An-Nisaa’ (43-46)

 

  1. Kuwa la siiyey Kitaabkow, rumeeya waxaan soo dajinnay isagoo rumeyn waxaad haysataan ka hor tirid wajiyaal oon u celinno gadaasheeda ama nacladno sidaan u nacladnay asxaabtii [kuwii] Sabtida [Yuhuudda] amarka Eebbana waa kan la falo.
  2. Eebbe ma dhaafo in lala wadaajiyo, wuxuuse ka dhaafaa waxaa wixii kasoo hadhay cidduu doono, ruuxii la wadaajiyo Eebbe wuxuu been-abuurtay dambi weyn.
  3. Ka warrama kuwa daahirin [amaani] naftooda, Eebbaa daahiriya cidduu doono lagamana dulmiyo waxa ku dhaggan jeex laf timireed [wax yar].
  4. Day siday ugu been-abuuran Eebbe isagaa ugu filan dambi cad.
  5. Ka warran kuwa la siiyey qayb Kitaabka ah oo rumeyn sixir iyo Shaydaan, una dhihi kuwa gaaloobay, “Kuwaasaa ka hanuunsan [toosan] kuwa rumeeyey jidkooda.”
  6. Kuwaas waa kuwuu nacladay Eebbe, cid Eebbe nacladayna uma heshid gargaare.

 

Waxaase loogu yeedhi gaalada ehlu-Kitaabka ah inay rumeeyaan Qur’aanka rumeeyey Kutubtii hore intaan Eebbe doorinin, ama nacladin siduu u nacladay kuwii Sabtida dambaabay ee Yuhuudeed. Eebbana waa ka dhaafaa dadka waxaan gaalnimo ahayn, gaalnimose waa dambi weyn, mana aha inay is-amaanaan, Eebbaa og cidda ammaan mudane, been-abuurasho, xumaan iyo Shaydaan la rumeeyo, iyo sheegasho ka toosnaanta Muslimiinta waxay sabab u tahay naclad, wax u gargaarana ma helaan. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Dulmigu waa saddex: midkood ma dhaafo Eebbe, midna wuu dhaafaa, midna kama tago, kuusan dhaafayn waa gaalnimada, kuu dhaafi waa dambiga kale, kuusan ka tagayna waa is-dulminta dadka qaarkood qaar ilaa isaga abaal mariyo.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. An-Nisaa’ (47-52)

 

  1. Mise waxay leeyihiin qayb xukunka oo markaas ayan siinayn dadka laf timir duleelkeed [wax buuxiya].
  2. Mise waxay ku xasdi dadka waxa Eebbe siiyey oo fadli ah, waxaan siinay ehelkii Ibraahiim Kitaabka iyo xikmad, waxaana siinnay xukun wayn.
  3. Waxaase kamid noqday mid rumeeya [Xaqa] waxaana kamid ah mid ka jeediya Xaqa, waxaa ugu filan Jahannamo gubid.
  4. Kuwii ka gaaloobay aayaadkannaga waxaanu galin Naarta, mar kastoos gubto haraggoodu waxaan ku baddalnaa hargo kale si ay u dhadhamiyaan cadaabka, Eebbana waa Adkaade Falsan.
  5. Kuwa rumeeyey [Xaqa] oo falay camal fiican waxaan galinaynaa Jannooyin ay dareeri dhexdeeda wabiyaal, oyna ku waari dhexdeeda waligood, waxayna ku mudan haween la daahiriyey waxaana galinaynaa hoos fiican.

 

Aayaduhu waxay caddayn xasadka Yuhuud iyo inayna u oggolayn Muslimiinta wanaag iyo khayr sidii iyagoo awoodda wax ku leh, Eebbe cidduu doono yuu siiyaa Kitaab iyo xikmad iyo xukun, ciddii Xaqa rumeysa iyo tii ka jeedsatana waa uun laga abaalmarin, kuwa gaaloobana oo beeniya aayaadka Eebbe waxay gali Naar gubi jidhkooda mar kastoy gubatana lagu baddali mid kale si ay u dhadhamiyaan cadaabka, kuwa Xaqa rumeeyeyna oo camal fiican fala waxay gali Janno oy ku waari oo wanaagsan. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Jannada waxaa ku yaal geed uu socon hooskeeda mid saaran gaadiid boqol sano oosan goynayn.” Waa saxiix. An-Nisaa’ (53-57)

 

  1. Eebbe wuxuu idin fari inaad u guddaan [siisaan] amaanada ehelkeeda [ciddeeda] haddaad kala xukumaysaan dadkana inaad ku kala xukuntaan caddaalad, Eebbe waxaa wanaagsan wuu idinku waanin Eebbana waa Maqle Arka.
  2. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, adeeca Eebbe oo adeeca Rasuulka iyo kuwa amarka leh oo idin kamid ah, haddaad ku dooddaan arrin u celiya Eebbe iyo Rasuulka haddaad tihiin kuwo rumeeyey Eebbe iyo Maalinta Dambe [Qiyaamada] saasaana khayr roon oo wanaag badan xagga abaalmarinta.
  3. Ka warran kuwa sheegan inay rumeeyeen waxa lagugu soo dejiyey iyo waxa lagu dejiyey kuwii kaa horreeyay oo ku xukuntami Shaydaan, iyagoo la faray inay diidaan, wuxuuna dooni Shaydaanku inuu baadiyeeyo baadi fog.
  4. Marka lagu dhaho, “U kaalaya wuxuu soo dejiyey Eebbe iyo xagga Rasuulka,” waxaad arkaysaa munaafiqiinta oo kaa jeedsan jeedsasho.

 

Amaanadoo la dhawro loona celiyo ciddeeda iyo caddaaladda dadka lagu maamulo laguna kala xukumo waa waxyaalaha waawayn oy Diinta Islaamku fari, sidoo kale Eebboo la adeeco iyo Rasuulka iyo kuwa xaqa wax ku hoggaamin oo culimada iyo xaakimka Muslimiinta ah, wixii dood ahna loo celiyo Eebbe iyo Rasuulkiisa saasaana wanaag badan, kuwa munaafiqiinta ah oo dooni inay Shaydaan iyo wax leexsan isku xukumaan oo ka baxsan Qur’aanka iyo Islaamka kuwaas Shaydaan baa dhumiyey, marka Qur’aanka iyo Rasuulka loogu yeedhana way jeedsadaan. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Adeeciddu waa uun waxa fiican.” Mar kalana wuxuu yidhi, “Layskuma adeeco xumaan.” Taasoo ah in khayrka laysku maqlo, waxa xunse laysku raacin. An-Nisaa’ (58-61)

 

  1. Say noqon markay ku dhacdo musiibo [dhibaato] waxay hor marsadeen gacmahoodu darteed, markaas ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaran Eebbe inaanaan doonin waxaan wanaag iyo tawfiiq ahayn.
  2. Kuwaasu waa kuwa ogyahay Eebbe waxa quluubtooda ku sugan ee ka jeedso xaggooda waanina waxaadna u dhahdaa naftooda hadal xeel dheer.
  3. Umaanaan dirin Rasuul in la adeeco mooyee idanka Eebbe, hadday markay dulmiyaan naftooda ay kuu yimaadaan oy dambi-dhaaf waydiistaan Eebbe una dambi-dhaaf waydiiyo Rasuulku waxay Eebbe [ogaan] dambi-dhaafe naxariista.
  4. Eebbahaa baan ku dhaartaye ma rumeeyaan intay kugu xukuntamaan waxa dhex mara oyna ka helin naftooda dhib waxaad xukuntay ooy hoggaansamaan hoggaansi.

 

Waxaa kamid ahayd caadada munaafiqiinta inay dhib iyo xumaan ula joogaan Nabiga iyo mu’miniinta, markay musiibo ku dhacdana ay Nabiga u yimaadaan iyagoo ku dhaaran Eebbe inayan waxaan wanaag ahayn rabin, Eebbena waa ogyahay waxa quluubtooda ku sugan ee waa in la waaniyo oo laga jeedsado. Nabiyadana waxaa loo diray in lagu adeeco idanka Eebbe, haddaadse tawbad keentaan oo Xaqa u noqotaan Eebbe waa u dhaafi lahaa, Xaqana ma rumeeyaan intay uga hoggaansamaan xukunka Rasuulka wax dhib ahna ayna ka helin. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbaan ku dhaartaye, midkiin ma rumeeyo intuu ka raaco waxaan la imid.” An-Nisaa’ (62-65)

 

  1. Haddaan ku faral-yeello korkooda dila naftiinna ama ka baxa guryihiinna ma faleen wax yar oo kamid ah mooyee, hadday falaan waxa lagu waanin yaa u khayr roon kuna daran [adag] sugnaan [rumeyn].
  2. Markaasaan ka siin lahayn agtannada ajir wayn.
  3. Waxaana ku hanuunin lahayn Jid Toosan.
  4. Ciddii adeeca Eebbe iyo Rasuulka kuwaasu waxay ahaan la-jirka kuwuu u nicmeeyey Eebbe, oo Nabiyada, rumeeyayaasha, shuhadada iyo kuwa suubban, waxaana u fiican rafiiq kuwaas.
  5. Arrintaasuna waa fadliga Eebbe, waxaana ku filan Eebbe ogaansho.

 

Wuxuu ka warrami Eebbe in haddii dadka badankiis la faro inay falaan waxay sameyn oo xumaan ah ma ayan yeeleen, wax yar mooyee, waxaase fiican inay maqlaan waxa lagu waanin, markaasuu Eebbe siin lahaa ajir wayn, toosinna lahaa ciddii Eebbe adeecda iyo Rasuulka wuxuu Jannada la gali kuwa Eebbe u nicmeeyey oo ah Nabiyada, rumeeyayaasha, shuhadada iyo kuwa suubban, waana wehelka u fiican, arrintaasuna waa fadliga Eebbe isagaana ku filan ogaade. Rabiica binu Kacab waxaa laga wariyey inuu Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ku yidhi, “Wax warso,” markaasuu yidhi, “Waxaan rabaa inaan kugula rafiiqo Jannada,” markaasuu yidhi, “Waxaas waxaan ahayna?” Wuxuuna yidhi, “Waa intaas,” markaasuu yidhi, “Iigu kaalmee naftaada badinta sujuudda.” Waxaa wariyey Muslim. Taasina waxay ku tusin inay lagama maarmaan tahay in la camal-falo, laguna dadaalo khayrka iyo wanaagga si loo haleelo kuwa fiican. An-Nisaa’ (66-70)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, qaata digtoonidiinna duulana idinkoo kooxkoox ah, ama duula dhammaan.
  2. Waxaa idin kamid ah [munaafiqiin] cabsiin [dib marin], hadday idinku dhacdo musiibo [dhibaato] wuxuu dhahaa, “Waxaa ii nicmeeyey Eebbe korkayga haddaanan la joogin.”
  3. Hadduu idin soo gaadho [heshaan] fadli Eebbe [khayr] wuxuu dhihi sidii isagoo ayna ahayn dhexdiinna jacayl, “Shallaaytee maxaan ula joogi waayay, oon liibaano liibaan wayne.”
  4. Ha kula dagaallameen Jidka Eebbe kuwa ku gatay nolosha dhaw Aakhiro [doorta adduun], ruuxii ku dagaallama Jidka Eebbe oo la dilo ama adkaada waxaan siinaynaa ajir wayn.

 

Jahaadku iyo meel-marinta Xaqa iyo difaaca Diinta iyo dalka Islaamka waa waajib sugan, iyadoo laga wada qayb qaadan, waxaase jira kuwo munaafiqiin ah oo dadka cabsi galin, marka dhib dhacana yidhaahda, “Eebbaan i raacinin,” marka guul la helana yidhaahda, “Maxaan ula joogi waayay?” Waxayna ku tusin aayaddu wanaagga Eebbe u darbay cidda lagu dilo Jahaadka ama adkaata, taasoo ku tusin inaan laga adkaanayn Muslimiinta markay kulmistaan iimaan dhab ah, isku-duubni iyo u-darbasho, hase yeeshee markay Xaqa ka leexdaan oo kala tagaan sida muuqata ayaamahan waxaa ku dhiirran cadawgooda oo ka adkaan, waase inay is-gaadhaan intay goori goor tahay. An-Nisaa’(71-74)

 

  1. Maxaad leedihiin ood ugu dagaallami waydeen Jidka Eebbe, iyagoo kuwa la daciifsan [tabarta yaraa] oo rag iyo haween iyo carruurba ay leeyihiin, “Eebbow naga bixi magaaladan daalimiinta ah ehelkeedu noogana yeel agtaada wali iyo gargaare.”
  2. Kuwa [Xaqa] rumeeyey waxay ku dagaallami Jidka Eebbe, kuwa gaaloobayna waxay ku dagaallami jidka Shaydaanka, ee la dagaallama sokeeyaha Shaydaanku, dhagarta Shaydaanku waa tabar yar yahaye.
  3. Ka warran kuwa loo yidhi [billowgii Islaamka], “Reeba gacmihiinna, oogana salaadda, bixiyana zakada,” markii lagu faral-yeelay dagaalkana waxaa soo baxay koox kamid ah oo uga cabsan dadka cabsida Eebbe oo kale ama ka daran cabsi, waxayna dhaheen, “Eebbow maxaad noogu faral-yeeshay dagaalka? Maxaad dib noogu dhigi wayday tan iyo muddo dhaw?” Waxaad dhahdaa, “Raaxada adduunyo waa yar tahay, Aakhiraana u khayr roon ciddii dhawrsan, laydin kama dulmiyo fatiil oo kale [wax yar].”

 

Aayaduhu waxay ku boorrin Muslimiinta inay jahaadaan oo dagaallamaan mar hadday Muslimiin rag, haween iyo carruurba leh oo tabar yar jiraan lana dullayn, dagaalkuna waa mid xaq ah oo dar Eebbe ah iyo mid xaq-darro oo jid Shaydaan ah, waana in lala dagaallamo gargaaraha Shaydaanka, waana tabar yar yahay, mana aha in lagu dagdago dagaalka ee waa in cibaadada la badiyo lana adkaysto Jahaadka cabsida dhabta ahna laga cabsadaa Eebbe, lana ogaado inay nolosha adduun tahay wax yar oo tagi. Xasan al-Basri wuxuu yidhi, “Eebbe ha u naxariisto addoon kula noolaaday adduunyada qadarkeeda, adduunyana ma aha billowgeed iyo dhammaadkeed waxaan ahayn ruux seexday oo ku arkay hurdada wuxuu jecel yahay soona baraarugay.” An-Nisaa’ (75-77)

 

  1. Meeshaad ahaataanba wuu idin haleeli mawdku [geeridu] aad ahaateenba daaro dheerdheer oo la adkeeyey, hadday taabato wanaag waxay dhahaan, “Tani waxay ka timid xagga Eebbe,” hadday ku dhacdo xumaanna waxay dhahaan, “Tani waxay ka timid agtaada [Nabiga],” waxaad dhahdaa, “Dhammaan waxay ka ahaadeen Eebbe agtiisa,” maxaa u sugnaaday qawmkaas uma dhawa inay fahmaan hadale.
  2. Wixii kusoo gaadha oo wanaag ah waxay ka ahaadeen Eebbe, wixii kugu dhaca oo xumaan ahna waxay ka ahaatay naftaada,waana kuu diray dadka adoo Rasuul ah, wuuna ku filan yahay Eebbe marag.
  3. Ruuxii adeeca Rasuulka wuxuu dhab u adeecay Eebbe, ruuxii jeedsadana kuugu maanaan dirin ilaaliye.
  4. Waxay dhihi [munaafiqiintu], “Daacad [baan nahay],” markay ka tagaan agtaadana waxay maamulaan [habeenkii] koox kamid ah waxay leedahay waxaan ahayn, Eebbana wuu qori waxay maamuli [miri] ee ka jeedso xaggooda talana saaro Eebbe, waxaana ku filan Wakiil Eebbe.

 

Meel kastoo la joogo waa la dhiman si kasta ha laysu ilaaliyo ama guryo adag ha la galee, wax kastana waxay ku hoos jiraan awoodda Eebbe ee ma aha in gaaladu xumaanta iyo musiibada u tiiriyaan Nabiga, waxaase jirta in dadka laga abaal-mariyo waxay kasbadeen khayr iyo sharba. Rasuulkana wuxuu Eebbe u diray dadka, Eebbaase Wakiil ilaaliye ah ugu filan dadka. Ruuxii adeeca oo raaca Rasuulka wuxuu adeecay Eebbe, ruuxii jeedsadase waxba Nabiga kama saarna, waana munaafaqnimo in la muujisto Xaq-rumayn, markii la fogaadana la diido Xaqa oo wax kale la falo, Eebbaase arka kuwaas oo abaal-marin. An-Nisaa’ (78-81)

 

  1. Miyeyna fiirfiirinayn Qur’aanka, hadduu ka yimid Eebbe agtiisa meel aan ahayn waxay ka heli lahaayeen dhexdiisa is-khilaaf badan.
  2. Markuu u yimaaddo amar nabadgalya ah ama cabsi way faafiyaan, hadday u celiyaan xagga Rasuulka ama kuwa cilmiga leh oo kamid ah waxaa ogaan lahaa kuwa lasoo baxa [dhabta] oo kamid ah, hadduusan jirin fadliga Eebbee korkiinna iyo naxariistiisa waad raaci lahaydeen Shaydaan wax yar mooyee.
  3. Ee ku dagaallan Jidka Eebbe lama mashaqayn naftaada mooyee, kuna boorri mu‘miniinta [dagaalka] wuxuu u dhawyahay Eebbe inuu idinka reebo dhibka kuwa gaaloobay, Eebbaana daran dhib daranna xanuujin.
  4. Ruuxii shafeeca shafeeco wanaagsan waxaa u ahaada qayb kamid ah, ruuxiise shafeeca shafeeco xun waxaa u ahaan dambi kamid ah, Eebbaana wax kasta ilaaliya.

 

Wuxuu farayaa Eebbe in Qur’aanka si fiican loo fiiriyo, lana kaso macnihiisa, illeen xagga Eebbuu ka ahaadaye, wax is-burin ahna kuma jirto sida hadallada kale, markay arrin muhiim ah soo daristana waxaa Eebbe faray in loo celiyo Rasuulka iyo kuwa u cilmi leh, Shaydaanna laga digtoonaado, Jidka Eebbana lagu jahaado, cid walbana waxay la kulmi shafeecadeeda abaalkeedii samaan iyo xumaanba. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaa uun halaagay ummadihii idin ka horreeyay isku-khilaafkii Kitaabkoodii.” Mar kalana wuxuu yidhi, “Waxaa ugu filan ruux been inuu ka sheekeeyo wuxuu maqlay oo dhan.” An-Nisaa’ (82-85)

 

  1. Haddii laydin salaamo salaan ku salaama mid ka fiican ama ku celiya [mid la mid ah] Eebbana waa wax kasta Xisaabiye [Kaafiye].
  2. Eebbe ilaah [kale xaq lagu caabudo] ma jiro isaga mooyee wuuna idiin soo kulmin maalinta Qiyaame, shaki ma leh, yaa ka run badan Eebbe hadal? [Ma jiro.]
  3. Maxaad leedihiin [mu’miniinta] ood munaafiqiinta laba kooxood ugu noqoteen [in la laayo iyo in kale]? Eebbe wuu halaagay [oo celiyey] waxay kasbadeen dartiis, ma waxaad doonaysaan inaad hanuunisaan cidduu dhumiyey Eebbe? Ruuxuu dhumiyo Eebbana uma heshid waddo [hanuun].
  4. Waxay jecel yihiin [munaafiqiintu] inaad gaalowdaan siday u gaaloobeen ood isku mid noqotaan, haka yeelanina xaggooda sokeeye intay uga hijroodaan Jidka Eebbe, haddayse jeedsadaan qabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, hana ka yeelanina xaggooda sokeeye iyo gargaare [midna].
  5. Kuwa gaadhi qawm dhexdiinna iyo dhexdooda ballan [heshiis] yahay mooyee, ama idiin yimid iyadow cidhiidhyan tahay laabtoodu inay idinla dagaallamaan ama la dagaallamaan qawmkooda, hadduu doono Eebbe wuu idinku diri lahaa wayna idin la dagaallami lahaayeen haddayse idinka dheeraadaan oyan idin la dagaallamin oy idiin soo hormariyaan nabadgalyo, idiin ma yeelin Eebbe korkooda jid [xaq kuma lihidiin dagaal].

 

Salaantu waa calaamadda Muslimiinta, ruuxii ku salaamana waa inaad u celisaa mid ka fiican ama la mid ah. Qiyaamana waa la kulmi, Eebbana waa run badane, mana aha in gaalada lala kala safto ama laysku khilaafo xaalkooda, iyaguba waxay jecel yihiin in Muslimiintu gaalowdo siday iyagu u gaaloobeen, hana ka yeelanina sokeeye iyo gargaare midna, kuwiise la nool kuwo aad ballan leedihiin ama idinla dagaallamin nabadgaliya, ciddii idin nabadgalisa nabadgaliya, tii idinla col ahna la dagaallama, waana taas caddaaladda iyo wanaagga Islaamku dagaallan ma jecla. An-Nisaa’ (86-90)

 

  1. Waxaad helaysaan kuwa kale oo dooni inay idin nabadgaliyaan, oo nabadgaliyaan qawmkooda [daahirka], mar kastoo loo celiyo gaalnimana waa lagu dedejiyaa dhexdiisa, haddayna idinka dheeraan ooyan idin siinin nabadgalyo ooyan idinka reebin gacmahooda qabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, kuwaasna waxaan idiinka yeellay xujo cad.
  2. uma habboona [bannaana] ruux mu’min ah inuu dilo mu‘min si gaf ah mooyee, ruuxii u dila mu‘min gaf waxaa saaran xorayn qoor mu‘min, iyo mag la siiyo ehelkiisii, inay sadaqaystaan moyee, hadduu kamid yahay qawm aad col tihiin isna mu‘min yahay waxaa saaran xorayn qoor mu‘min, hadduu kamid yahay qawm ballan idin dhex yaal waxaa saaran mag la siiyo ehelkiisii iyo xorayn qoor mu’min ah, hadduusan helin [qoorna] wuxuu soomi laba bilood oo is-raacraacsan, waana tawbad Eebbe, Eebbana waa Oge Falsan.
  3. Ruuxii u dila mu’min si kas ah, abaalkiisu waa Jahannamo oos ku waari dhexdeeda, wuuna u cadhoon Eebbe wuuna lacnadi wuxuu u darbi cadaab wayn.

 

Waxaa jirta munaafiqiin ku gabban Islaamka jecelse gaalnimada kuwaas haddayna nabadgalinin Muslimiinta waa in layska celiyo. Aayadaha kale waxay ka warrami inayan bannaanayn in naf mu‘min loo dilo xaq-darro, ciddiise si gaf ah u disha waxaa saaran xorayn qoor iyo mag la siiyo ehelkiisa, haddii la waayana soon laba bilood oo is-raacraacsan, waa tawbad fiican, ciddiise kas u disha si xaq-darro ah ruux mu‘min ah abaalkiisu waa Jahannamoos ku waaro, cadho iyo lacnad Eebbe iyo cadaab wayn, maxaa yeelay ma fududa nafta Muslimku ee waa qaali mana bannaana in lagu xadgudbo. Waxaa sugnaatay, “Adduunkoo taga (rogmada) yaa ka sahlan Eebbe agtiisa dil ruux Muslim ah,” mar kalana wuxuu yidhi Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Hadday u kulmaan waxa samaawaadka iyo dhulka ku sugan inay dilaan Muslim wuxuu Eebbe ku tuuri lahaa Naarta.” Taasina waxay ku tusin sida Islaamku u dhawray xuquuqda dadka iyo noloshiisa, iyo qaalinimada iyo sharafta Muslimka mar hadduu ka wayn yahay adduunka oo dhan iyo waxa ku sugan. An-Nisaa’ (91-93)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, markaad u safartaan Jidka Eebbe wax caddaysta [hubsada] hana dhihina ruux salaan idiin soo gudbiyey “Ma tihid mu‘min,” idinkoo dooni dhalanteedka nolosha dhaw, Eebbe agtiisa yey tahay qaniimooyin badan, saasaad ahaydeen horay waxaana idinku mannaystay Eebbe korkiinna, ee caddaysta [hubsada], Eebbana waxaad camal-falaysaan waa ogyahay.
  2. Ma sinna kuwa fadhiya ee mu‘miniinta ah oon kuwa dhibban ahayn iyo kuwa kula jahaadi Jidka Eebbe xoolahooda iyo naftooda, wuu ka fadilay Eebbe kuwa ku jahaaday xoolahooda iyo naftooda kuwa fadhiya darajo, dhammaanna wuxuu u yaboohay wanaag, wuuna kaga fadilay Eebbe kuwa jahaaday kuwa fadhiya ajir wayn.
  3. Waa darajooyin xaggiisa ah iyo dambi-dhaaf iyo naxariis, Eebbana waa dambi-dhaafe naxariiista.

 

Aayadahanna waxay caddayn inaan lagu dagdagin dilka dadka hadday Islaanimo muujiyaan iyadoo la dooni in xaqooda la bannaysto, illeen cid walba mar bay dhunsanayd Eebbaana hanuuniyee, iyo inayna ekeyn mu‘miniinta cudur la‘aan ka fadhiista Jahaadka iyo kuwa ku jahaada xoolahooda iyo naftooda Jidka Eebbe, wuxuu Eebbe ka fadilay kuwa ku jahaada Jidka Eebbe kuwa ka fadhiista, in kasta oo mu‘min dhammaantiis Eebbe wanaag u darbay, haddana wuxuu Eebbe siin kuwa Jidkiisa ku jahaada darajooyin waawayn, dambi-dhaaf iyo naxariis. Waxayna ku tusin aayaduhu in wax la hubsado een lagu dagdagin ciddaan la hubin gaalnimadiisa, iyo in Jidka Eebbe ku-jahaadkiisu leeyahay fadli iyo ajir wayn. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Jannada waxaa ah boqol darajo oo Eebbe u darbay kuwa ku jahaada Jidkiisa, labadii darajana waxaa u dhaxaysa sida cirka iyo dhulka.” Wakaas fadliga Jahaadka, waa ciziga iyo sharafta mu‘miniinta iyagoon cidna dulmiyeyn, markayse ka tageen Jahaadka waa kuwaas dulloobay ee la addoonsaday ee la qaybsaday iyagoo dhulkoodii laga xoogay lagana saaray. An-Nisaa’ (94-96)

 

  1. Kuway oofsato malaa‘igtu iyagoo dulmiyey naftooda waxay ku dhahaan, “Maxaad ahaydeen?” waxayna dhahaan, “Kuwo lagu daciifsaday [tabar yar] dhulka,” waxayna dhahaan [malaa‘igtii], “Miyeyna ahayn dhulka Eebbe waasac ood ku hijrootaan dhexdeeda?” Kuwaas hoygoodu waa Jahannamo wayna u xun tahay aaye.
  2. Kuwa la daciifsado oo rag, haween iyo carruur oon tabar lahayn kuna toosi karin jidka mooyee.
  3. Kuwaas wuxuu u dhawyahay Eebbe inuu iska cafiyo xaggooda, Eebbana waa Saamaxe dhaafa [dambiga].
  4. Ruuxii ku hijrooda Jidka Eebbe wuxuu ka heli dhulka magangal badan iyo waasacnimo, ruuxii ka baxa gurigiisa isagoo u hijroon xagga Eebbe iyo Rasuulkiisa markaas uu haleelo mawdku [geeridu] wuxuu ku sugnaaday ajrigiisu Eebbe [fadli dartiis] Eebbana waa [dambi] dhaafe naxariista.

 

Diinta Islaamku ma oggola inay ku dullaysato gaalo adoo Muslim ah, maxaa yeelay waa laga fogaan karaa si loogu darbado Jahaadkooda siday faleen Muslimiintii hore, hase yeeshee dadka tabarta yar ee ah rag, haween iyo carruurba dhib ma saarna hadday ku dhex noolaadaan Eebbana wuxuu u dhawyahay inuu iska saamaxo, ruuxiise dar Eebbe u hijrooda wuxuu ka heli dhulka khayr iyo waasacnimo, ciddii ka baxda gurigeeda iyadoo u hijroon dar Eebbe iyo Rasuulka oo dhinta kuwaas Eebbaa ajir iyo wanaag ku abaal-marin. Taasina waxay ku tusin inay waajib tahay in la wanaajiyo niyada, siduu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) uu yidhi, “Camalku waa uun niyo, cid walbana waxay mudan waxay niyooto…” Tan kale waa inaan Muslim qaadanin dullaynta gaalada, uuna dulliga gaalada ka baxo si kasta oo suurowda oo hijro iyo ka-durkid ah, isagoo la jahaadi. An-Nisaa’ (97-100)

 

  1. Haddaad ku safartaan dhulka ma aha korkiinna dhib [dambi] inaad gaabisaan salaadda haddaad ka cabsataan inay idin fidmeeyan [dhibaan] kuwa gaaloobay, gaaladuna waxay idiin yihiin col cad.
  2. Markaad tahay dhexdooda [Muslimiinta] ood u oogto salaadda ha is-taagto koox kamid ah agtaada hana qaateen hubkooda, markay sujuudaan ha ahaadeen gadaashiinna, hana timaaddo koox kale oon tukanin hana tukadeen la-jirkaaga hana qaateen digtoonidooda iyo hubkooda, waxay jecel yihiin kuwa gaaloobay inaad halmaantaan hubkiinna iyo alaabtiinna oo markaas ay idin soo weeraraan mar kaliya [idinku kadiyaan]. Korkiinna ma aha dhib hadduu idin hayo dhib roob ah ama aad tihiin kuwa buka inaad dajisaan hubka, qaatana digtoonidiinna, Eebbana wuxuu u darbay gaalada cadaab wax dulleeya.

 

Aayadda hore waxay ka warrami inay bannaan tahay gaabinta salaadda marka socotada la yahay, taasoo ah in Duhurka, Casarka iyo Cishaha labolabo laga tukado, waana naxariis Eebbe iyo fududayn. Aayadda kale waxay ka warrami salaadda waqtiga dagaalka iyo sida loo tukan, oo ah qawmna tukan qawmna ilaalin colka iyagoo hubka haysta. Taasina waxay ku tusin waynida salaadda iyo jameecaadka iyo inaan laga tagayn. Tan kale waxay ku tusin ahmiyadda Jahaadka iyo darbashada. Arrinta salaadda dagaalka iyo cabsida waxay ku faahfaahsan tahay kutubaha, waxaase muhiim ah in la ogaado waynideeda iyo waajibnimadeeda. An-Nisaa’ (101-102)

 

  1. Markaad gudataan salaadda xusa Eebbe taagni, fadhi iyo dhiniciinnaba [jiif] markaad xasishaanna [aamin noqotaan] ooga salaadda [dhammeeya]. Salaaddu waxay ku tahay mu‘miniinta xukun waqtiyeysan [muddaysan].
  2. Haka daciifina [jilcina] doonidda qawmka [gaalada], haddaad tihiin kuwa xanuunsan iyaguba way xanuunsan sidaad u xanuunsanaysaan, waxaadna ka rajaynaysaan Eebbe waxayna ka rajaynayn, Eebbana waa Oge Falsan.
  3. Annagaa kugu soo dajinnay Kitaabka si xaq ah inaad ku kala xukunto dadka dhexdiisa wuxuu ku tusiyo Eebbe, hana u noqonin khaa‘in u-doode.
  4. Dambi-dhaaf warso Eebbe, Ilaahay waa dambi-dhaafe naxariista.
  5. Haka doodin kuwa khayaamayn naftooda, Eebbana ma jecla khayaamo-badane dambi badan.
  6. Waxay iska qarin dadka iskamana qariyaan Eebbe isagoo la jooga markay maamuli wuxuusan raalli ka ahayn oo hadal ah, Eebbana waxay camal-fali wuu koobay.
  7. Idinku kuwaasow waad ka dooddeen xaggooda nolosha adduunyo, yaase ka doodi xaggooda maalinta Qiyaame ama u noqon wakiil?

 

Aayadahanna waxay caddayn in Eebbe la xuso salaadda dabadeed iyo si kastoo la yahay, markaan dagaal la jooginna salaadda la dhammaystiro, tan kale waa inaan Jahaadka laga cabsanin illeen haddaynu xanuunsan gaaladuba way xanuunsane waxaynnu Eebbana ka rajayn Janno iyo liibaan ayna iyagu rajaynayn. Qur’aankana waxaa loo soo dajiyey in laysku xukumo, xumaantana waa inaan garab la siin, Eebbana dambi-dhaaf la warsado oon lagana doodin xagga kuwa khaa‘imiinta ah, ee dadka iska qarin, Eebbana aan iska ilaalinayn markay wax qarsan, cid Qiyaame wax u tarina ma jirto. An-Nisaa’ (103-109)

 

  1. Ruuxii fala xumaan ama dulmiya naftiisa [dambaaba] markaas dambi-dhaaf warsada Eebbe wuxuu ka heli [ogaanna] isagoo dambi-dhaafe ah naxariistana.
  2. Ruuxii kasbada danbi wuxuu uun u kasbaday naftiisa [dhibkeeda] Eebbana waa oge Falsan.
  3. Ruuxii kasbada gaf ama dambi markaas ku gana dambiga [ku sheega] mid barii’ ah wuxuu xambaartay been-abuurasho iyo dambi cad.
  4. Hadduusan jirin fadliga Eebbee korkaaga iyo naxariistiisa waxay hammin lahayd koox [dooni lahayd] oo kamid ah inay ku dhumiyaan mana dhumiyaan naftooda mooyee mana kaa dhibaan waxba, wuxuuna kugu soo dajiyey Eebbe Kitaabka iyo Xikmadda wuxuuna ku baray waxaadan aqoon fadliga Eebbana korkaaga waa ku wayn yahay.
  5. Khayr ma leh wax badan oo faqooda ah, oon ahayn mid fara sadaqo ama wanaag ama hagaajin dadka dhexdooda, ruuxii fala saas doonid raalli ahaanshaha Eebbe waxaanu siin ajir wayn.
  6. Ruuxii khilaafa Rasuulka kadib intuu u caddaaday hanuunku oo raaca jidka mu‘miniinta midaan ahayn waxaa uga wali yeeleynaa wuxuu yeeshay, waxaana galinaynaa Jahannamo iyadaana u xun meel loo ahaado.

 

Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Wuxuu uga warramay Eebbe addoomadiisa cafigiisa, dulqaadkiisa, deeqdiisa, naxariistiisa waasaca ah iyo dambi-dhaafkiisa, ruuxii dambaaba ha yaraado ama ha waynaado oo dambi-dhaaf warsada Eebbe, wuxuu heli Eebbe oo dambi-dhaafi oo naxariisan, haba ka waynaato samaawaadka iyo dhulka iyo buuraha.” Tan kale gaaladu waxay uun baadiyeyn naftooda. Eebbana wuxuu siiyey Nabiga Kitaab iyo Xikmo wuxuuna baray wuxuuna aqoonin. Eebbaana fadli wayn siiyay. Faq aan wanaag ahayna ma fiicna, ciddii ka leexata Jidka Nabiga iyo mu’miniintana wuxuu galin Naar daran. An-Nisaa’ (110-115)

 

  1. Eebbe ma dhaafo in lala wadaajiyo [cid kale cibaadada] wuuse ka dhaafaa wixii waxaas kasoo hadhay cidduu doono, ruuxii la wadaajiya Eebbe wuxuu dhumay dhumid wayn.
  2. Ma caabudayaan Eebbe ka sokow waxaan dhaddig ahayn, mana caabudayaan waxaan Shaydaan madax-adag ahayn.
  3. Ha lacnado Eebbe, Shaydaan wuxuu yidhi, “Waxaan ku yeelan addoomada qayb sugan.”
  4. “Waan baadiyeyn, waan yididiilo [xun] galin, waana fari [xumaanta] waxayna jeexjeexi dhagaha xoolaha waana fari [xumaanta] waxayna doorin abuurka Eebbe.” Ruuxii ka yeesha Shaydaan wali Eebbe ka sokow dhab ahaan buu u khasaaray khasaare cad.
  5. Wuu u yaboohi oo yididiila galin mana yabooho Shaydaan waxaan dhagar ahayn.
  6. Kuwaasna hoygoodu waa Jahannamo, kamana helaan xaggeeda iilasho [iyo fakasho].
  7. Kuwa rumeeyey Xaqa oo fala camal fiican waxaannu galin Jannooyin oy socoto dhexdeeda wabiyaal oyna ku waari dhexdeeda waligeed, waana yabooha Eebbe oo sugan, yaa ka run badan Eebbe hadal [cidna].

 

Eebbe wuu ka dhaafaa waxaan gaalnimo ahayn cidduu doono, gaalana waxay caabudaan sanamyo iyo Shaydaan Eebbe lacnaday oo ballan-qaaday inuu qayb ku yeeshaa dadka, kuna dhaartay inuu dhumiyaa oo xumaan faraa intay ka dooriyaan abuurka Eebbe, ciddii Shaydaan wali ka yeelatana wuxuu khasaaray khasaare wayn. Wuxuu yaboohina waa dhagar iyo Naar, ciddiise Xaqa raacda oo camal fiican fasha wuxuu gali Janno uu ku waari, Eebbana waa runle, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Hadal waxaa u run badan hadalka Eebbe, hanuunna waxaa u fiican hanuunka Muxammed, waxaana u xun umuuraha waxaa la soo darriyey waana bidco baadi ah.” An-Nisaa’ (116-122)

 

  1. Ma aha [xaalku] yididiiladiinna iyo yididiilada ehlu-Kitaabka midna, ciddii fasha xumaan waa laga abaal-marin mana helayo Eebbe ka sokow wali iyo gargaare [midna].
  2. Ruuxii fala wanaag lab ah ama dhaddig isagoo rumeysan [Xaqa] kuwaasu waxay gali Jannada lagamana dulmiyo duleel [laf timireed].
  3. Yaa ka diin fiican ruux u jeediyey wajigiisa Eebbe isagoo sama-fali oo raaca diinta [Nabi] Ibraahiim? Wuxuuna ka yeeshay Eebbe Ibraahiim khaliil [mid u gaar ah].
  4. Eebbe waxaa u sugnaaday waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka, Eebbana waa wax walba koobe.
  5. Waxay ku warsan haweenka, waxaad dhahdaa “Eebbaa idiin fidyoon [sheegi] xaalkooda iyo waxa lagu akhriyi korkiinna Kitaabka haweenka agoonta ah ee ah kuwaydaan siinayn waxa loo qadaray oo doonaysaan inaad guursataan iyo kuwa tabarta yar ee carruurta ah, iyo inaad u maamushaan agoonta caddaalad, waxaad fashaan oo kheyr ahna Eebbe waa ogyahay.”

 

Waxaa jirtay inay isu faaneen Muslimiin iyo gaalo, markaas Eebbe soo dajiyey aayaddan mana aha cidna waxay iyadu doonto ee xumaan iyo wanaagba waa layska abaal-marin, rag iyo haweenna waxba lagama nusqaamiyo wanaaggay falaan. Wax ka fiicanna ma jiro cid raacday waddadii Nabi Ibraahiim oo ah Diinta Islaamka. Aayadda dambana waxay ka warrami sida loola dhaqmi haweenka agoonta ah ee dhaqaalaynaysaan iyo kuwa tabarta yar ee carruurta ah iyo in agoonta caddaalad lagu dhaqo, illeen Eebbaa wax walba oge. Markay soo dagtay aayadda hore yey naxeen asxaabtii oy dheheen waxba uma reebin ummadan, markaasuu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yidhi, “Way soo dagtaye bishaaraysta oo dhexdhexaysta…” An-Nisaa’ (123-127)

 

  1. Hadday haweeney ka cabsato ninkeeda xaggiisa fogaansho ama jeedsasho dhib ma saarna korkooda hadday heshiiyaan heshiis, heshiiskaana khayr ah, waxaana lagu soo kulmiyey nafta bakhaylnimo, haddaadse wanaag fashaan ood dhawrsataan Eebbe waxaad camal-falaysaan waa ogyahay.
  2. Ma kartaan inaad sintaan haweenkiinna dhexdooda aadba dadaasheene ee haka iilanina iilasho dhan, oo ka tagtaan sida mid xidhan [dayacan], haddaad wanaajisaan ood dhawrsataan Eebbe waa dambi-dhaafe naxariista.
  3. Hadday kala tagaan wuu kaafiyaa Eebbe mid kasta waasacnimadiisa, Eebbana waa waasac [fadligiisu] waana falsame.
  4. Eebbaa iska leh waxa samaawaadka ku sugan iyo dhulka, waxaana u dardaaranay kuwii la siiyey Kitaabka ee idinka horeeyey iyo idinkaba ka dhawrsada Eebbe, haddaadse gaaloowdaan Eebbe waxaa u sugnaaday waxa ku sugan samaawaadka iyo dhulka, Eebbana waa hodan amaanan.
  5. Eebbaa iska leh waxa ku sugan samaawaadka iyo dhulka waana ku filan yahay Eebbe Wakiil.
  6. Hadduu doono wuu idin tagsiin [dhammayn] dadow lana imaan kuwo kale waana karaa Eebbe taas.
  7. Ruuxii dooni abaal adduunyo Eebbe agtiisa yuu jiraa abaalka adduunyo iyo Aakhiraba Eebbana waa Maqle Arka.

 

Hadday haweenaydu ka kasto ninkeeda fogaansho ama jeedsasho waa inay heshiiyaan xumaantana layska jiraa, tan kale in caddaaladda lagu dadaalo ciddii laba haweenna qabta, haddii lakala tagana Eebbaa deeqi cid walba, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ciddii laba haweenna qaba oo u iisha middood wuxuu yimaadaa maalinta Qiyaame isagoo dhinac leexsan.” Tan kale Eebbaa xukunka iska leh, wuxuuna faray dadka dhammaan Alla ka-yaabid, illeen hadduu doono wuu dhammayn karaa dadkee, Aakhiro iyo adduunba Eebbaa iska leh, waana in si quruxsan Eebbe looga doono. An-Nisaa’ (128-134)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, noqda kuwo u istaaaga caddaalad oo ah marag Eebbe, naftiinnaba ha ahaato ama waalidkiin ama qaraabo, hadday hodan yihiin ama faqiir Eebbaa u mudnaansho badan ee ha ka raacina hawada inaad caddaalo fashaan, haddaadse iilataan ama jeedsataan Eebbe waxaad camal-falaysaan waa ogyahay.
  2. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, rumeeya Eebbe [si dhab ah] iyo Rasuulkiisa iyo Kitaabka uu ku dejiyey Rasuulkiisa iyo Kitaabkuu u dejiyey horay, ruuxiise ka gaalooba Eebbe, malaa‘igtiisa, Kutubtiisa, Rasuulladiisa iyo maalinta dambe [Qiyaamada] wuu dhumay dhumid fog.
  3. Kuwa rumeeyey ee gaaloobay ee haddana rumeeyey ee gaaloobay markaas sii badsaday gaalnimo ma aha Eebbe mid u dhaafi iyaga, kumana hanuuniyo Jidka [Toosan].
  4. Ugu bishaaree munaafiqiinta inay mudan cadaab daran.
  5. Waana kuwa ka yeesha gaalada sokeeye mu‘miniinta ka sokow, ma waxay ka dooni agtooda sharaf, sharafna Eebbaa iska leh dhammaanteed.
  6. Wuxuuna idiin kusoo dejiyey korkiinna Kitaabka dhexdiisa haddaad maqashaan aayaadka Eebbe oo laga gaaloobi ama lagu jeesjeesi ha fadhiisanina agtooda intay ka dhumbadaan hadal kale, waxaad noqonaysaan iyaga oo kale, Eebbana wuxuu ku kulmin munaafiqiinta iyo gaalada Jahannamo dhammaan.

 

Waa in caddaaladda lagu dadaalaa naftaada, waalidkaa iyo qaraabadaadaba ha ahaatee, illeen Eebbaa ku mudnaan badane, waana inaan hawada la raacin waana in si dhab ah loo rumeeyo Eebbe, Rasuulkiisa, Kitaabka Qur’aanka ah iyo Kutubtii horaba, ciddii ka gaalowda Eebbe, malaa‘igta, Rasuullada iyo Maalinta Dambe waa cid dhuntay. Kuwase marna gaalooba marna wax rumeyn waa kuwo dhumay, munaafiqiintana waxay gali Naar daran, waana kuwa gaalada sokeeye ka dhigan, kuna jeesjeesa Qur’aanka iyo Xaqa, abaalkooduna waa Naar. An-Nisaa’ (135-140)

 

  1. Oo ah kuwa idin la suga [dhibaato] hadduu gargaar xagga Eebbe idiinka ahaado waxay dhihi “Miyaanaan idinla jirin?” Hadduu gaalada u sugnaado nasiibna waxay dhahaan “Miyaanaan idin adkeynin oonaan idinka reeebin mu‘miniinta?” Eebbaa xukumi dhexdooda maalinta Qiyaame, mana ugu yeelayo Eebbe gaalada mu‘miniinta korkooda waddo.
  2. Munaafiqiintu waxay dhagri Eebbe [isku dayi] isna wuu dhagri [oo abaal-marin] markay u istaagaan salaaddana way istaagaan iyagoo wahsan, oo is-tusi dadka mana xusaan Eebbe wax yar mooyee.
  3. Waxayna ku noqnoqon [wareeri] arrintaas dhexdeeda kuwaasina lama jiraan kuwaana lama jiraan, cidduu dhumiyey Eebbe uma heshid waddo [cid-hanuunin].
  4. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, haka yeelanina gaalada sokeeye mu‘miniinta ka sokow, ma waxaad doonaysaan inaad isugu yeeshaan Eebbe korkiinna xujo cad [inuu idin ciqaabo]?
  5. Munaafiqiintu waxay ku sugnaan dabaqa hoose ee Naarta umana heshid gargaare.
  6. Kuwa tawbad keena ee wanaajiya camalka, oo isku dhawra Eebbe, oo u kali-yeela diintooda [cibaadadooda] Eebbe kuwaasi waxay la jiri mu‘miniinta, wuuna siin doonaa Eebbe mu‘miniinta ajir wayn.
  7. Muxuu ku fali Eebbe cadaabkiinna haddaad mahdisaan ood rumeysaan, Eebbana waa mahdiye waana oge.

 

Munaafiqiintu waa kuwa Muslimiinta la suga balaayo, hadday guul helaanna yidhaahda waan idin la jiray, hadday gaaladu wax gaadhaanna dhaha annagaa idin guulaynay, kuwaase Eebbaa kala xukumi iyaga iyo mu’miniinta, Eebbana uguma yeelo jid iyo xujo mu‘miniinta korkeeda, munaafiqiintu waa kuwa salaaddu ku culus tahay dadkana is-tustusiya, oon meella haysan. Tan kale waa inaan gaalo sokeeye ka dhigan mu’miniinta intii la gudbo si aan ciqaab Eebbe u imaan, munaafiq abaalkiisna waa dabaqa hoose ee Naarta, ciddiise tawbad keenta oo Xaqa raacda Eebbana dhab ahaan u caabuda waxba Eebbe cadaabkeeda iyo ciqaabteeda ku fali maayo, wuuna ku mahdin. Waxaana sugnaatay, “Camalka Eebbe u kali-yeel wax yar baa kugu fillaane,” waxayna ku tusin naxariista Eebbe iyo inuusan rabin ciqaabta addoomadiisa hadday toosnaadaan. An-Nisaa’ (141-147)

 

  1. Ma jecla Eebbe in lala qayliyo xumaan oo hadal ah ruux la dulmiyey mooyee, Eebbana waa maqle og.
  2. Haddaad muujisaan khayr ama qarisaan ama cafidaan xumaan Eebbana waa dhaafe kara.
  3. Kuwa ka gaalooba Eebbe iyo Rasuulkiisa oo dooni inay kala [bixiyaan] Eebbe iyo Rasuulkiisa oo odhan, “Waxaannu rumayn qaar waana diidi qaar,” oo dooni inay ka yeeshaan arrintaa dhexdeeda waddo.
  4. Kuwaasi iyaga un baa gaalo dhab ah, waxaana u darbannay gaalada cadaab wax dulleeya.
  5. Kuwa rumeeyey Eebbe iyo Rasuulkiisa oon kala bixinin cid kamid ah kuwaas wuu siin doonaa [Eebbe] ajirkooda, Eebbana waa dhaafe naxariista.
  6. Waxay ku warsan ehlu-Kitaabku inaad kaga soo dejiso Kitaab xagga samada, dhab ahaan yey u warsadeen [Nabi] Muuse wax ka wayn kaas waxayna dheheen, “Noo tusi Eebbe si cad,” waxaana qabatay qaylo [daran] dulmigooda dartiis, waxayna yeesheen dibi intay u timid xujooyin, waana ka cafinnay arrintaas, waxaana siinnay [Nabi] Muuse xujo cad.

 

Ma habboona in xumaan iyo hadal dhib ah lala qayliyo, ciddiise la dulmiyo waxaa u bannaan inuu aarsado. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Ma jecla Eebbe in ruuxna ruux habaaro haddaan la dulmiyin.” Eebana wax walba waa ogyahay, ciddii kala saarta Eebbe iyo Rasuulladiisa kuwaasu waa gaalo dhab ah gaalana waxaa loo darbay cadaab daran, mu‘miniintuse waxay mudan Janno illeen ma kala saarin Xaqee. Tan kale ma habboona sidii Yuhuuddii Nabiga si madax-adayg ah wax u warsan jiray illeen caaday u tahaye waxayna warsadeen Nabi Muuse wax ka wayn, waana in laga fogaado jidkooda. An-Nisaa’ (148-153)

 

  1. Waxaan kor yeellay [Buurta] Duur ballankoodii dartiis waxaana ku nidhi, “Ka gala irridda idinkoo sujuudsan,” waxaana ku nidhi, “Haku xad-gudbina Sabtida,” waxaana ka qaadnay ballan adag.
  2. [Waan lacnadnay] burintooda ballankooda iyo ka-gaalowgooda aayaadka Eebbe iyo u-dilidda Nabiyada xaq-darro iyo hadalkooda quluubtannadu way daboolan tahay, saas ma aha ee waxaa daabacay [daboolay] Eebbe gaalnimadooda darted, mana rumeeyaan wax yar mooyee.
  3. Iyo gaalnimadooda darteed iyo hadalkooda Maryama oy ku been-abuurteen si wayn.
  4. Iyo hadalkoodii ahaa, “Annagaa dilnay Masiix Ciise ibnu Maryam Rasuulkii Eebbe ahaa,” mayna dilin mana wadhin laakiin waa loo shabbahay [ekeysiiyey], kuwii isku khilaafay [Ciise] waxay kaga sugan yihiin shaki, wax cilmi ahna uma leh oon ahayn raacid male umana dilin dhab.
  5. Saas ma aha ee waxaa u kor yeelay xaggiisa Eebbe, Ilaahayna waa Adkaade Falsan.
  6. Ehlu-Kitaab kasta wuu rumeyn Ciise geeridiisa ka hor, maalinta Qiyaamana wuxuu ku noqon korkooda markhaati.

 

Waxaa korkooda la yeelay Buurta Duur waxaana la faray inay hoggaansamaan oo sujuudaan lagana reebay inay xad-gudbaan, hase yeeshee markay buriyeen ballankii, oy ka gaaloobeen aayaadka Eebbe oy laayeen Nabiyadii ooy sheegeen inay quluubtoodu daboolan tahay iyo xumaantay ku sheegeen Maryam iyo inay dileen Nabi Ciise iyagoon dilin Eebbaase u moodsiiyey shabbahay korna yeelay waxyaalahaas iyo wax la mid ah yaa Eebbe u ciqaabay una lacnaday, una dulleeyey illeen Xaqay diideene. Qisada Nabi Ciise iyo hooyadiina waa in loo rumeeyo sida ku cad Qur’aanka oo ah inuu yahay addoon Eebbe oo Nabi ah ee san wax cibaada ah mudan, waana doqonnimo in wax Eebbe kasoo hadhay la caabudo. An-Nisaa’ (154-159)

 

  1. Dulmi kuwii yuhuudoobay dartiis yaan uga reebnay korkooda wanaagga loo xalaaleeyey iyo ka-celintooda Jidka Eebbe wax badan.
  2. Iyo qaadashadooda ribada iyagoo laga reebay xaggeeda iyo ku-cunidda xoolaha dadka si baadil ah, waxaana u darbannay gaalada kamid ah cadaab daran.
  3. Laakiin kuwa ku xeeldheer cilmiga oo kamid ah iyo mu’miniintu waxay rumeyn waxa lagugu dejiyay, iyo wixii la dejiyey hortaa, iyo kuwa oogo salaadda ee bixiya zakada ee rumeeya Eebbe iyo Maalintii Dambe kuwaas waxaan siinaynaa ajir wayn.
  4. Annagaa kuu waxyoonnay sidaan ugu waxyoonay [Nabi] Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyey waxaana u waxyoonnay [Nabi] Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub, [awlaad] faracii, Ciise, Ayuub, Yuunus, Haaruun, Sulaymaan, waxaana siinnay Daawuudna Zabuur.
  5. Iyo Rasuullo aan kaaga qisoonnay horay iyo Rasuullo aanaan kaaga qisoon, wuuna la hadlay Eebbe [Nabi] Muuse hadal.
  6. Waa Rasuullo bishaarayn oo digi si ayan dadka xujo ugu yeelan Eebbe kadib Rasuullada, Eebbana waa Adkaade Falsan.

 

Dulmigii Yuhuudda yaa looga xarrimay waxyaalo u xalaal ahaa iyo Jidka Xaqa ahooy ka leexiyaan dadka, iyo cunidda xaq-darro ee xoolaha dadka. Kuwa cilmiga leh ee Xaqa rumeeya oo kamid ah iyo kuwa rumeeya Xaqa oo salaadda iyo zakada guta waxay mudan ajri wayn. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu kamid yahay Nabiyada Eebbe u waxyooday Eebbana wuxuu u waxyooday Nabiyo badan qaar uu ka qisooday iyo qaar kalaba, waxaase waajib ah in guud ahaan loo rumeeyo inta la sheegayna gaar ahaan Xaqana la raaco. An-Nisaa’ (160-165)

 

  1. Laakiin Eebbaa marag furi wuxuu kugu dejiyey wuxuuna ku dejiyey cilmigiisa, malaa‘igtuna way marag furi, Eebbana ku filan marag.
  2. Kuwa gaaloobay oo ka leexiya Jidka Eebbe waay dhumeen dhumid fog.
  3. Kuwa gaaloobay ee dulmi falay ma aha Eebbe kii u dambi-dhaafa ama ku hanuuniya jid.
  4. Jidka Jahannamo mooyee iyagoo ku waari waligood, arrintaasna waa u fududdahay Eebbe.
  5. Dadow wuxuu idiinla yimid Rasuulku Xaq xagga Eebbe ee rumeeya [Xaqa] saasaa idiin khayr roon, haddaad gaalowdaanna Eebbe waxaa u sugnaaday waxa ku sugan samaawaadka iyo dhulka Eebbana waa oge falsan.
  6. Ehlu-Kitaabkow, haku xad-gudbina Diintiinna hana ku dhihina Eebbe waxaan Xaq ahayn, Masiix Ciise ibnu Maryam waa uun Rasuulkii Eebbe iyo Kalimadiisii uu ku tuuray Maryama iyo ruux xaggiisa ah ee rumeeya Eebbe iyo Rasuuladiisa, hana dhihina saddex [ilaah] reebtooma, saasaa idiin khayr roon, Eebbe waa uun Ilaah kaliya, waa ka nazahan yahay in ilmo u sugnaado, waxaa u sugnaaday waxa samaawaadka iyo dhulka ku sugan, Eebbaana ku filan Wakiil.

 

Eebbaa wax walba og, cid dhuntayna way khasaartay waxayna la kulmi ciqaab. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu la yimid Xaq cad. Mana habboona in Nabi Ciise iyo Diinta lagu xad-gudbo, Ciisena waa addoon Eebbe, Ilaahay waa kali saddex ilaahna ma jirto oo waa uun Eebbe kaliya, wehel iyo carruurna uma baahna. An-Nisaa’ (166-171)

 

  1. Iskama kibriyo Masiix inuu ahaado addoon Eebbe, malaa‘igta la dhaweeyeyna [iskama kibriso] ruuxii iska kibriya cibaadadiisa oo is-wayneeya wuu u soo kulmin xaggiisa dhammaan.
  2. Kuwa rumeeyey Xaqa oo camal fiican fala wuxuu u oofin ajrigooda wuxuuna u kordhin fadligiisa, kuwa iska wayneeya oo is-kibriya wuxuu cadaabi cadaab daran mana helayaan Eebbe ka sokow wali iyo gargaare [midna].
  3. Dadow waxaa idiin yimid xujo xagga Eebbe ah waxaanan idiin soo dejinnay Nuur cad.
  4. Kuwa rumeeyase Eebbe oo qabsaday [isku dhawray] Eebbe [iyo Qur’aanka] wuxuu galin naxariis xaggiisa ah iyo fadli wuxuuna ku hanuunin xaggiisa Jid Toosan.
  5. Wax bay ku warsan, waxaad dhahdaa “Eebbaa idiin fidyoon kalaalada, hadduu dhinto ruux aan ilmo lahayn oo leh walaashiis waxay mudan nus wuxuu ka tagay isaguna wuu dhaxli hadduusan ilmo u sugnaanin, hadday labo yihiinna waxay mudan labo dalool wuxuu ka tagay, hadday yihiin walaal rag iyo haween ah kan lab waxaa u sugnaaday labo dhaddig qaybtood, wuxuu idiin caddayn Eebbe [Xaqa] inaydaan dhumin, Eebbana wax kasta waa ogyahay.

 

Ciddii iska kibrisa ama iska waynaysa cibaadada Eebbe wuxuu la kulmi Eebbe wuuna abaal-marin, Nabi Ciise iyo malaa‘igta Eebbana iskama kibriyaan. Mana habboona in cidna iska waynayso cibaadada Eebbe. Suuradduna waxay ku dhammaatay waxay ku billaabatay oo ah dhaxalka si aan loo dhumin Xaqana looga leexan ee loo raaco qaybta Eebbe iyo sharcigiisa caadilka ah. An-Nisaa’ (172-176)

 

Suurat al-Maa’idah

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, oofiya ballanka, waxaa laydiin banneeyey xoolaha nicmoolayda waxa laydinku akhrin korkiinna mooyee idinkoon bannaysanayn ugaadhsiga idinkoo xarman Eebbana wuxuu xukumaa wuxuu doono.
  2. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, ha bannaysanina calaamooyinka Eebbe [waxa reebban] iyo bisha xurmaysan iyo hadyada iyo midda loo luqun xidhay [hadyada Baytka] iyo kuwa u qasdi Baytka Xurmaysan, iyagoo dooni fadliga Eebbahood iyo raalli-ahaanshihiisa, markaad xalaalowdaanna [dhammaysaan Xajka iyo Cumrada] ugaadhsada [haddaad doontaan] yeyna idin ku xambaarin cadhada qawm idinka celiyey Masaajidka Xurmaysan inaad xad-gudubtaan, isugu kaalmeeya samaha iyo dhawrsiga hana isugu kaalmaynina dambi iyo colnimo, kana dhawrsada Eebbe, Ilaahay way darantahay ciqaabtiisu.

 

Suuraddan waxaa la dhahaa Suuratul Maa‘idah, waxayna kulmisatay xukumo badan, aayadahanna wuxuu Eebbe fari dadka inay oofiyaan ballamada wuxuuna u caddeeyey in loo banneeyey cunnada xoolaha marka laga reebo waxa lagu akhriyey iyo ugaadhsiga iyagoo xarman, wuxuuna ku boorriyey inayna ku xad-gudbin kuna dacatiyin, calaamadda Eebbe iyo waynaantiisa, iyo bisha xurmaysan, iyo hadyada la calaameeyey iyo kuwa ku socda guriga xurmaysan, iyagoo dooni khayrka Eebbe iyo raalli-ahaanshihiisa, markay xalaaloobaanna way ugaadhsan karaan, mana habboona in caddaaladda sina looga tago, waase in khayrka laysugu kaalmeeyo oon xumaanta laysugu kaalmaynin, illeen waxaa daran ciqaabta Eebbe. Caa‘isha waxay tidhi, “Suuraddan waa wixii u dagid dambeeyey ee waxay bannaysana cuna waxay reebtana daaya iyo waxay kala gataan ama ku heshiiyaan.” Al-Maa’idah (1-2)

 

  1. Waxaa laydinka xarrimay bakhtiga iyo dhiigga iyo hilibka doofaarka iyo wixii lagu xuso [lagu gawraco] waxaan magaca Eebbe ahayn, iyo tii la ceejiyo, iyo la ganac gooyo, iyo tan meel ku dhacda, iyo tii la hardiyo, iyo midduu cunay bahal, waxaad gawracdaan mooyee [waxaa kaloo reeban] wixii lagu gawraco sanam, iyo inaad ku nasiib doontaan faal, kaasi waa fisqi, maantayna ka quusteen kuwii gaaloobay Diintiinna, ee haka cabsanina ee iga cabsada, maantaan idiin kaamilay [dhammeeyey] Diintiinna waxaana idiin taam-yeelay korkiinna nicmadayda waxaana idiinka raalli noqday Islaamka Diin ahaan, ciddii loo dhibaateeyo baahi inay cunaan wixii laga xaaraameeyey oon falayn dambi, Eebbe waa dambi-dhaafe naxariista.
  2. Waxay ku warsan maxaa loo xalaaleeyey, waxaad dhahdaa, “Waxaa laydiin xallilay wanaagga [xalaasha] iyo waxaad wax barteen oo wax dhaawaca idinkoo ku ugaadhsan, ood baraysaan wuxuu idin baray Eebbe ee ka cuna waxay idiin qabtaan ku xusana magaca Eebbe kana dhawrsada Eebbe, Ilaahay waa degdegtaa xisaabtiisuye.

 

Waxa wax dhiboo dhan Eebbe wuu reebay, sida bakhtiga, dhiigga, hilibka doofaarka iyo wixii magaca Eebbe waxaan ahayn lagu gawracay, waxaa si gaar ah loo sheegay inay reebban tahay tan la ceejiyo, tan la ganac gooyo, tan meel ka dhacda, tan hardida ku dhimata, tan bahal cuno oon la gawricin. waxaa kaloo reebban waxa sanamyada loo gawraco iyo waxyaalo la taagay, iyo wax lagu sameeyo faal, waxaasuna waa faasiqnimo, maalintaas yeyna ka quusteen gaaladu Diinta Islaamka, mana mudna in laga cabsado ee waa in Eebbe uun laga cabsado, Eebbana wuu taam-yeelay Diinta Islaamka ah iyo nicmadiisa, wuxuuna inooga raalli noqday Diinta Islaamka waxa kasoo hadhayna waa wax-kama-jiraan, ciddiise baahata oon xad-gudbin Eebbe waa u-dhaafe naxariista. Al-Maa’idah (3-4)

 

  1. Maanta waxaa laydiin xalaaleeyey wanaagga cunnada kuwa la siiyey Kitaabna xalaal buu idiin yahay, cunnadiinuna xalaal bay u tahay, iyo kuwa dhawrsoon oo mu‘minaadka ah [guurkooda] iyo kuwa dhawrsoon oo kamid ah kuwa la siiyey Kitaabka oo idin ka horreeyey haddaad siisaan ujuuradooda [meherkooda] iyagoo dhawrsoon oon xumaan [zino] samaynayn yeelanaynna saaxiibbo [xun] ciddii ka gaalowda iimaanka wuu hoobtay camalkiisu wuxuuna kamid noqon Aakhiro kuwa khasaaray.
  2. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, haddaad u kacdaan salaadda dhaqa wajiyadiinna, iyo gacmihiinna tan iyo jiqilka [xusulka] masaxana madaxiinna [dhaqana] lugihiinna tan iyo anqawyada, haddaad janaabo qabtaan is-daahiriya, haddaad buktaan ama safar tihiin ama ka timaaddaan kortag ama is-taabataan haween oydaan helayn biyo ku gagabaysta dhul daahir kuna masaxa wajigiinna iyo gacmihiinna, idin lama doonayo Eebbe inuu idin yeelo korkiinna dhib wuxuuse dooni inuu idin daahiriyo idiin dhammeeyo nicmadiisa korkiinna inaad shukridaan darteed.

 

Halkan wuxuu Eebbe ku sheegay in loo banneeyey mu‘miniinta cunnada xalaasha ah, iyo cunnada kuwa Kitaabka leh, iyo haweenka dhawrsoon oo mu’miniinta ah, iyo kuwa Kitaabka leh ee naga horreeyey marka la siiyo meherkooda ee dhawrsoon, ciddiise Xaqa iyo iimaanka ka gaalowda waa mid buray camalkiisu oo khasaaray. Sayid Cumar waxaa laga sheegay, “Waxaan doonay inaanan u oggolaan ruux xumaan [zino] sameeyey inuu guursado haweenay dhawrsoon.” Aayadda kale waxay ka warrami waysada iyo in la dhaqi wajiga, gacmaha tan iyo jiqillada, madaxana la masixi, lugahana la dhaqi tan iyo anqawyada, janaabadana laga maydhan, ciddii jirran ama safar ah ama kortag ka timid ama haween taabta oon biya helinna inuu carrada ku gagabaysan oo marin wajiga iyo gacmaha, waana fududayn Eebbe iyo inuu idiin muujiyo nicmadiisa iyo inaan ku mahdinno. Al-Maa’idah (5-6)

 

  1. Xusuusta nicmada Eebbe iyo ballankiisa uu idin kula ballamay markaad dhahdeen, “Waan maqallay waana adeecnay,” kana dhawrsada Eebbe illeen Ilaahay waa ogyahay waxa laabta ku sugane.
  2. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, noqda kuwa is-taaga [u darban] dar Eebbe oo ku marag-kaca caddaalad yeyna idinku xambaarin cadhada qawm inaydaan caddaalad falin, caddaalad fala iyadaa u dhaw dhawrsashada [Eebbe] kana dhawrsada Ilaahay, Eebbe waa ogyahay waxaad falaysaane.
  3. Wuxuu u yaboohay Eebbe kuwa rumeeyey [Xaqa] oo falay camal fiican inuu u sugnaaday dambi-dhaaf iyo ajir wayn.
  4. Kuwa gaaloobay oo beeniyey aayaadkannaga kuwaasu waa asxaabta [ehelka] Jaxiimo.
  5. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, xusuusta nicmada Eebbe korkiinna markay hamiyeen [dooneen] qawm inay idinku fidiyaan [xumaan] gacmahooda oo [Eebbe] idinka reebay gacmohooda xaggiina, kana dhawrsada Eebbe, Ilaahayna ha tala-saarteen mu‘miniintu.

 

Aayadahan wuxuu Eebbe fari dadka mu‘miniinta ah inay xusuustaan nicmadiisa oo ah inuu usoo dejiyey Sharcigan toosan, una soo diray Rasuul, iyo ballankii uu ka qaaday inay Xaqa u gargaaraan oyna aqbaleen, iyo inay Eebbaha wax walba og ka dhawrsadaan, waxaa kale oo uu faray inay caddaaladda ku dadaalaan xataa dadkay colka yihiin, saasaana u dhaw Xaqa iyo wanaagga, markaasuu Eebbe caddeeyey abaalka kuwa wanaagga fala iyo kuwa gaaloobay, iyo in Eebbe ka dhawray cadaw isku dayey inay xumaan ku falaan, oyna mudan yihiin inay Eebbe tala-saartaan. Waxaa sugnaatay inay Muslimiintii la ballantameen Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) si kastoo yihiinba inay Xaqa u gargaaraan. Eebbana waa kan ka dhawray Nabiga cadowgii isku dayey inuu wax-yeelleeyo, Yuhuud iyo kuwa kalaba. Al-Maa’idah (7-11)

 

  1. Dhab ahaan buu u qaaday Eebbe ballanka Banii Israa’iil, waxaana ka bixinnay xaggooda labo-iyo-toban madax ah, wuxuuna yidhi Eebbe, “Annagu waan idin la jirnaa haddaad oogtaan salaadda oo bixisaan zakada ood rumaysaan Rasuulladayda, ood una gargaartaan oo amaah gashataan Eebbe amaah [sadaqo] fiican waxaan ka asturi xaggiinna xumaanta waxaana idin galin Jannooyin ay dureeri dhexdeeda wabiyaal, ruuxii gaalooba intaas kadib oo idin kamid ah wuxuu ka dhumay Jidka Toosan.
  2. Burintooda ballankooda [Yuhuud] yaan u lacnadnay kana yeellay quluubtooda mid ingagan, iyagoo ka leexin kalimadda meesheeda waxayna halmaameen qayb kamid wixii lagu waaniyey kamana waydid xaggooda inaad ku aragtid khayaamo wax yar mooyee ee iska cafi iskana saamax Eebbe wuxuu jecel yahay samo-falayaashee.

 

Halkanna wuxuu Eebbe ka qisoon Banii Israa‘iil iyo in Eebbe kasoo saaray labo-iyo-toban madax ah kuna yidhi, “Waan idin la jiraa haddaad oogtaan salaadda, oo bixisaan zakada, ood rumaysaan Rasuulladayda, ood u gargaartaan ood wanaag Eebbe amaahsataan,” uuna asturi xumaantooda uuna galin Jannooyin ay dureeri dhexdeeda wabiyaal, ciddiise kadib gaalowda wuxuu ka dhumay Jidka Toosan. Waase la lacnaday qalbi-ingeeggooda iyo ka-leexinta hadalka meelihiisa, waxayna halmaameen wax badan oo lagu waaniyey, khayaamana lagama waayo badankooda, ee iska-dhaaf hana ku dhibin naftaada, Eebbe wuxuu jecel yahay sama-faleyaashee. Waana taas dabeecadda Yuhuud iyo wixii lamid ah, waxaase waajib ah in laga digtoonaadaa layskuna dayo in la toosiyo. Al-Maa’idah (12-13)

 

  1. Kuwa yidhi, “Waxaan nahay Nasaara,” waxaan ka qaadnay ballankooda waxayna halmaameen qayb wixii lagu waaniyey, markaasaan ku sii-daynay dhexdooda colnimo iyo cadho tan iyo maalinta Qiyaame, wuuna uga warrami Eebbe waxay samaynayeen.
  2. Ehlu-Kitaabow, waxaa idiin yimid Rasuulkannaga oo idiin caddayn wax badan ood ahaydeen kuwo ka qariya Kitaabka [Tawreed] wuxuuna idinka cafiyi wax badan, waxaana idiinka yimid xagga Eebbe Nuur iyo Kitaab cad.
  3. Uuna ku hanuuniyo Eebbe ruuxii raaca raalli-ahaanshihiisa Jidka nabadgalyada kana bixin mugdiyada xagga Nuurka idinkiisa kuna hanuunin Jidka Toosan.
  4. Waxaa gaaloobay kuwa yidhi, “Eebbe waa uun Masiixi ibnu Maryama.” Yaa uga hanan Eebbe waxba hadduu doono inuu halaago Masiixi ibnu Maryama iyo hooyadiis iyo waxa dhulka ku sugan dhammaan? Eebbaa iska leh xukunka samooyinka iyo dhulka, iyo waxa u dhexeeya, wuxuuna abuuraa wuxuu doono, Eebbana wax kasta wuu karaa.

 

Kuwa sheegta inay Nasaara yihiin wuxuu Eebbe ka qaaday ballan inay rumeeyaan una gargaaraan Nabiga Muxammad ah (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wayse halmaameen oo iska diideen arrintaas, markaasaa Eebbe dhex-dhigay col iyo cadho tan iyo Qiyaame, Eebbana wuu uga warrami oo ka abaal-marin waxay falayeen. Ehlu-Kitaabkow waxaa idiin yimid Rasuulka Eebbe oo idiin caddayn wax badan ood qarinaysaan, idinka cafin wax badan, xagga Eebbana waxaa idiinka yimid Nuur iyo Qur’aan cad kuna hanuuniyo Eebbe Jidka nabadgalyo ciddii raacda raalli-ahaanshihiisa, iyo Jidka Nuurka ah ee Toosan. Waxaa dhab u gaaloobay kuwa yidhi, “Eebbe waa Ciise ibnu Maryama,” yaase Eebbe ka celin hadduu halaago Ciise iyo hooyadiis iyo waxa dhulka ku sugan dhammaan? Xukunka samooyinka iyo dhulka iyo waxa u-dhexeeyana Eebbaa Iska leh wuxuu doono yuu abuuraa, wax walbana wuu karaa, Eebbana waa kali awood leh. Al-Maa’idah (14-17)

 

  1. Waxay dheheen Yuhuud iyo Nasaaraba, “Annagu waxaan nahay carruur Eebbe iyo kuwuu jecel yahay,” waxaad dhahdaa, “Muxuu idiinku cadaabaa dambigiinna? Saas ma aha ee waxaad tihiin dadka Eebbe abuuray, wuu u dhaafi cidduu doono wuuna cadaabi cidduu doono, Eebbana waxaa u sugnaaday xukunka samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya xaggiisaana loo ahaan.
  2. Ehlu-Kitaabow, waxaa idiin yimid Rasuulkannagii isagoo idiin caddayn muddo [kadib] Rasuullada inaydaan dhihin, “Nooma imaan bishaareeye iyo dige.” Eebbana wax kasta wuu karaa.
  3. [Xusuuso] markuu ku yidhi [Nabi] Muuse qawmkiisa, “Qawmkayow xusuusta nicmada Eebbe ee korkiinna markuu yeelay dhexdiinna Nabiyo idinkana yeelay xukaam idin siiyeyna waxaan la siin cid caalamka ah [waqtigiinnii].”
  4. “Qawmkayow gala dhulka la daahiriyey oo idiin yaboohay Eebbe hana u noqonina gadaashiinna oo gaddoontaan idinkoo khasaaray.

 

Yuhuud iyo Nasaara iyo gaaladaba waxay ku hadlaan haddallo xun, siday halkan ku sheegeen inay yihiin carruurtii Eebbe, iyo kuwo uu jecel yahay, taasise waa been ee waa dad kamid ah khalqiga uu abuuray, wuuna cadaabi Eebbana wuu ka diigtoon yahay khalqiga, waxaana u sugnaaday cirka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya xaggiisaana loo ahaan. Waxaana idiin soo dirnay Rasuulkannaga muddo Rasuullada kadib, saydaan u dhihin, “Nooma imaan bishaareeye iyo dige,” wuuse idiin yimid, Nabi Muusena wuu waaniyey Banii Israa‘iil wuxuuna xusuusiyey nicmada Eebbe iyo Nabiyada uu usoo diray kana yeelay xukaam waqtigoodii, wuxuuna faray inay galaan dhulka daahirka ah Qudsi. waxaana wax laga xishooda ah magaaladaas barakaysan ay gaalada Yahuuddu ay xoog ku qabsadeen. Dhulka Eebbaa leh, waxaana xaq u leh inuu ku noolaado Muslim mu‘min ah, waana inay kusoo noqoto Qudsi gacanta Muslimiinta. Al-Maa’idah (18-21)

 

  1. Waxay dheheen, “Muusow waxaa [dhulka] dhexdiisa ah qawm daran mana galayno intay ka baxaan xaggeeda, hadday ka baxaanna waanu gali.”
  2. Waxay dheheen labo nin oo kamid ah kuwa ka cabsada [Eebbe] una nicmeeyey Eebbe, “Uga gala albaabka markaad gashaan idinkaa adkaane, Eebbana tala-saarta haddaad mu‘miniin tihiin.”
  3. Waxay dheheen, “Muusow annagu ma galaynno waligeed intay joogaan ee taga adiga iyo Eebbahaa oo la dagaallama annagu halkanaan fadhiyeynaaye.”
  4. Wuxuu yidhi [Nabi] Muuse, “Eebbow ma hanto naftayda iyo walaalkay mooyee ee nakala bixi [xukun] dhexdannada iyo qawmka faasiqiinta ah [xun].
  5. [Eebbe] wuxuu yidhi, “Iyadu [dhulka] waa ka xaaraan korkooda afartan sano oy ku wareeri dhulka ee haw murugoon qawmka faasiqiinta ah.

 

Mana habboona in fulayadii diidday inay galaan Qudsi waqtigii Nabi Muuse iyo kuwa ka liita ay xoog ku qabsadeen magaaladaas. Waxaase lagaga kicin karaa in dhab ahaan Xaqa loo rumeeyo Jidka Eebbana dhab loogu jahaado, Muslimiintuna isku mid noqdaan, iyagoo ku toosan Sharciga Eebbe ee wanaagsan, haddii kale waxaa ku dhici Muslimiinta wareerkii ku dhacay Banii Israa‘iil, waana looga adkaan dhulka waxayna noqon kuwo ka baxay daacada iyo Sharciga Eebbe, wax loo murugoodana noqon maayaan, Sidii Eebbe u sheegay Nabi Muuse, waana in laga leexdo waddada Yuhuud. Al-Maa’idah (22-26)

 

  1. Ku akhri korkooda warka labadii wiil ee ilmo [Nabi] Aadam ahayd si dhab ah, markay dhaweeyeen [sadaqaysteen] sadaqo oo laga aqbalay midkood lagana aqbalin kii kale, oo uu yidhi, “Waan ku dili,” uu yidhi [kii kale], “Wuxuu uun Eebbe ka aqbalaa kuwa dhawrsada.”
  2. “Haddaad usoo fidiso xaggayga gacantaada inaad i disho anigu kugu fidin maayo gacanta inaan ku dilo, anugu waxaan ka cabsan Ilaahay ee ah Eebbaha caalamka.”
  3. “Waxaana dooni inaad la noqoto dambigayga iyo kaagaba ood noqoto Naarta ehelkeeda, taasina waa abaalka daalimiinta.”
  4. Markaasay u qurxisay naftiisii dilka walaalkiis wuuna dilay, wuxuuna noqday kuwa khasaaray.
  5. Wuxuuna Eebbe u bixiyey [muujiyey] tuke faadhi dhulka inuu tusiyo siduu u asturo maydka walaalkiis, wuxuuna yidhi, “Shalaytee miyaan ka caajisay inaan noqdo sida tukahan oon asturo maydka walaalkay?” Wuxuuna ahaaday mid qoomamooda.

 

Aayadahani waxay ka warrami wixii dhex-maray labadii wiil ee Nabi Aadam oo ahaa mid fiican iyo mid xun, kaasoo xasad iyo gardarro u dilay walaalkiis in Eebbe ka aqbalay sadaqadii, wuxuuna u sheegay inuusan isagu rabin inuu dilo naf xaq-darro, maxaa yeelay ciddii saas fasha waa mid daalim ah oo gali Naarta, markuu dilay walaalkiisna wuu khasaaray wuxuu falana wuu garan waayey intuu ka arko tuke qodi dhulka, markaasuu ku dayday si uu u asturo una qariyo maydka walaalkiis isagoo qoomamayn, kaasuna waa xasad iyo Shaydaan taladii iyo dilkii xaq-darro ee u horreeyey. waxaana sugnaatay inuu naf kasta oo xaq-darro loo dilo uu qayb ku yeelan wiilkaas illeen isagaa jideeyey dilkee. Saas darteed waa in laga fogaado dil xaq-darro illeen abaalkiisu waa Naare. Al-Maa’idah (27-31)

 

  1. Saas darteed yaan ugu jidaynay Banii Israa‘iil ciddii disha naf aan [dilin] naf ama fasaadin dhulka waxay lamid tahay inuu dilay dadka dhammaan, ciddii noolaysa nafna [korisa] waxay lamid tahay isagoo nooleeyey dadkoo dhan, waxay ula timid Rasuulladannadii xujooyin markaas in badan oo kamid ah intaas kadib dhulkay ku xad-gudbeen.
  2. Abaalka kuwa la-dagaallama Eebbe iyo Rasuulkiisa oo la socda dhulka fasaad waa in la dilo ama la wadho, ama loo gooyo gacmahooda iyo lugahooda is-dhaaf, ama laga fogeeyo dhulka, arrintoodaasna waa inay mudan yihiin dulli adduun iyo Aakhiro oo cadaab wayn ah.
  3. Kuwa tawbad keena qabasho kahor mooyee, ogaadana in Eebbe dambi-dhaafo oo naxariisto.
  4. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, ka dhawrsada Eebbe una doona xaggiisa dhawaansho kuna jahaada Jidkiisa waxaad u dhawdihiin inaad liibaantaane.

 

Eebbe ma jecla xumaanta iyo fasaadka ee wuxuu jecel yahay wanaagga iyo khayrka, saasuuna u dhawray nafta dadka oo ciddii u disha naf xaq-darro waxay lamid tahay mid dadkoo dhan dishay, tii noolaysa oo korisana waxay lamid tahay mid dadkoo dhan noolaysay, saasaana loo ciqaabi ciddii Diinta Eebbe iyo Nabiga la dagaalanta, oo dhulka fasaadisa, waana in la laayo ama gacmaha iyo lugaha is-dhaaf loo gooyo, ama la wadho, ama dhulka laga eryo iyagoo dulloobay Aakhiro iyo adduunba, ciddiise intaan la qabanin tawbad-keenta Eebbe wuu u dhaafi. Tan kale waa in Ilaahay loogu dhawaado camal fiican iyo wanaag, sida salaadda, zakada, soonka, Xajka, Jahaadka, sadaqada, wax-barashada iyo baridda. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Wasiiladu waa dhawaansho,” Qataadana wuxuu yidhi, “Ugu dhawaada Eebbe daacadiisa iyo wuxuu jecel yahay.” Waxaana xadiith ku sugnaaday inay tahay darajo Jannada dhexdeeda ah oo la siiyo cid Eebbe jecel yahay sida Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee). Al-Maa’idah (32-35)

 

  1. Kuwa gaaloobay hadduu u ahaado waxa dhulka ku sugan oo dhan iyo wax lamid ah inay iskaga furtaan cadaabka maalinta Qiyaame lagama aqbaleen waxayna mudan cadaab daran.
  2. Waxay dooni inay kasoo baxaan Naarta kamana baxaan xaggeeda waxayna mudan cadaab joogta ah.
  3. Tuugga iyo tuugadda gooya gacmahooda abaal-marin waxay kasbadeen darteed waana xanuujin Eebbe, Ilaahayna waa Adkaade Falsan.
  4. Ciddiise tawbad keenta dulmigiisa kadib oo fiicnaada Ilaahay wuu ka tawbad aqbali, Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.
  5. Miyaadan ogayn in Eebbe u sugnaaday xukunka samooyinka iyo dhulka uuna cadaabi cidduu doono, waana u dambi-dhaafi cidduu la doono, Ilaahayna wax kasta wuu karaa.

 

Cadaabka Aakharo iyo ciqaabteeda wax kasta oo adduunka jooga iyo wax lamid ahba waa layskaga furan lahaa, lamase aqbalo, gaalana lagama bixiyo Naarta, waxayna mudan cadaab joogta ah. Aayadaha kale waxay ka warrami farina in tuugga la gooyo gacanta rag iyo haweenba, maxaa yeelay waa arrin xun oo Diinta, caqliga, iyo abuuridda fiicanba diidi, sidee ruux caqli leh u gali guryo dad ama u jabsan, ama xoolahooda u kaxaysan si qarsoodi ah isagoon ka yaabayn Eebbe, dhawrayna akhlaaqda, ilaalinayna xaqa walaalkiisa ku dhibtamay xasilinta xoolahaa, kaas abaalkiisu waa in laga fogeeyo gacanta xun oo bukta, kuwase doqommada ah een wax kasayn ee wax ka sheegi ciqaabta tuugga, may u naxariistaan miskiinka la xaday dhididkiisii intay u naxariisan tuug, mise iyagaa tuuga ah, maxaase laga faa‘iiday markii laga tagay arrintaas sow cid walba kuma seexato cabsi kumana soo toosto cabsi? Imisaase tuugo dhacda habeen iyo dharaar, dadna lagu dilaa, ood maqashaa dhibaato aan laga sheekaysan karin, ma saasaa roon mise in la qabto tuugga gacantiisa oo la edbiyo, oo dadka iyo xoolihiisu nabadgalyo ku noolaadaan? Gaaladuse ma Eebbay uga naxariis badan yihiin khalqigiisa? Ha abuurteen iyagu tuugo ayna goynayn, oo haw sameeyeen cir iyo dhul iyo waddan ay dagaan, hana ka bexeen waddanka iyo dhulka Eebbe, illeen tuugo iyo tuug ma rabee. Rasuulkuna (naxarriis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbe ha lacnado tuug, wuxuu xadaa ukun oo la goyn gacantiisa, oos xadi xadhig oo la goyn.” Taasina waxay ku tusin naf-xumida tuugga iyo kan daba joogaba, naxariisina ma aha in ruux buka lagu sii-daayo dadka ee waxaa naxariis ah in la daweeyo khayrkana la tusiyo wanaaggana lagu hanuuniyo shaqana loo yeelo hadday baahi jirto, waxaannu rumaysanahay Eebbaha falka san iyo xukunkiisa caadilka ah, ee ha usoo noqdeen kuwaas qalbiga ka buka ee tuugada ayidi. Al-Maa’idah (36-40)

 

  1. Rasuulow yeyna ku walbahaarin kuwa ku dagdagi gaalnimada oo ah kuwa ku yidhi afkooda, “Waan rumaynay,” oyna rumayn quluubtoodu, iyo kuwa yuhuudoobay waxay maqli og yihiin beenta waxayna maqli og yihiin qawm kale oon kuu imaanin waxayna ka leexiyaan kalimooyinka meelaheeda [dhabta] waxayna odhan, “Haddii laydin siiyo kan [leexsan] qaata haddaanse laydin siinin ka digtoonaada.” Ruuxuu doono Eebbe ibtilayntiisa waxba ugama hanatid Eebbe waxba, kuwaasina waa kuwaan Eebbe la doonin inuu daahiriyo quluubtooda, waxayna mudan adduunka dulli Aakharana waxay mudan cadaab wayn.
  2. Waxay maqli og yihiin beenta waxayna cunid badan yihiin xaaraanta, hadday kuu yimaadaanna kala xukun dhexdooda ama ka jeedso, haddaad ka jeedsatana wax kaama dhibaan, haddaad kala xukuntana caddaalad ku kala xukun, Eebbe wuxuu jecel yahay caadiliintee.
  3. Siday kuugu xukuntami iyadoo agtooda yahay Tawreed oo xukunkii Eebbe ku yaal markaasna ay ka jeedsan intaas kadib, kuwaasi ma aha mu‘miniin.

 

Aayadahanu waxay kusoo degeen kuwa ku dagdaga gaalnimada oo ka baxa daacadda Eebbe iyo Rasuulkiisa, oo ka hormariya hawadooda iyo ra‘yigooda Shareecada Eebbe, waana munaaflqiinta colka Eebbe ah, waxaa kale oo iyana colka Eebbe ah kuwa Yuhuudda ah ee beenta maqla dhexdoodana wax isu-sheega, Xaqana leexiya, siday u leexiyeen, ee qalloocana is-fara inay haystaan, wax kalana ayan maqlin, waana kuwa Eebbe ibtileeyey, wax xagga Eebbe wax uga tarina ma jiraan, dulli iyo cadaab bayna mudan Aakharo iyo adduunba. Been-maqalkana waxay ku darsadeen cunidda xaaraanta iyo boolida, wuxuuna u khiyaar-galiyey inuu iskaga jeedsado hadday u yimaadaan ama caddaalad ku kala xukumo. Xaqa oo la qariyo, beentoo la faafiyo oo la maqlo iyo xaaraanta oo la cuno waa caadada Yuhuudda iyo inta raacda ama lamid noqda gaar ahaan waxay kusoo degeen xaalka zinada iyo magdhawga dilka, oy ka been-sheegeen, waxaase waajib ah in laga leexdo jidkooda. Al-Maa’idah (41-43)

 

  1. Annagaa soo dejinnay Tawreed oo dhexdeeda ku sugan yahay hanuun iyo Nuur, oyna ku xukumayeen Nabiyadii u hoggaansamay Eebbe kuwii yuhuudoobay, waxaana xukumi jiray madaxdii iyo culimadii wixii laga doonay inay ilaaliyaan oo Kitaabka Eebbe ah, waxay ku ahaayeen markhaati ee haka cabsanina dadka ee iga cabsada ani, hana ku gadanina aayaadkayga lacag [qiimo] yar, ciddaan xukumin wuxuu soo dejiyey Eebbe kuwaasi waa gaalo uun.
  2. Waxaan ku faral-yeelnay korkooda in nafta [loo qisaaso] nafta, ishana isha, sankana sanka, dhagtana dhagta, iliggana iligga, nabarradana waa laysu qisaasi, ciddii iska sadaqaysata [saamaxda] waxay u noqon kafaaro [dambi-dhaaf]. Ciddaanse xukumin wuxuu soo dejiyey Eebbe kuwaasi waa daalimiin uun.

 

Tawreed wuxuu ahaa Kitaab Eebbe oo xaq ah oos Nabi Muuse kusoo dejiyey, kadibse Yuhuuddu leexisay waxaana ku yiil hanuun iyo Nuur, waxaana xukumi jiray Nabiyadii Eebbe u hoggaansamay iyo culimadii iyo madaxdii wax kasaysay, waxaana la faray inay dhawraan maragna ka ahaadaan, oyna ku gadanin aayaadka Eebbe wax nafci ah, ciddaan xukumin waxa Eebbe soo dejiyeyna waa mid gaaloobay. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Ciddii diidda waxa Eebbe soo dejiyey wuu gaaloobay.” Aayadda kalana waxay ka warrami qisaasta iyo in cid walba laga gudan waxay gaysato, ama naf ama xubin, taasina waxay ku tusin caddaaladda Islaamka iyo in Sharciga Eebbe u siman yahay dadku, ciddii iyadu iska cafida xaq bay u leedahay ajirna way ka heli, ciddaan saas xukuminna waa mid daalimiin ah. Aayadduna waa arrin guud oo cid walba ku rumoobi, waxayna caddayn in dadka rag iyo haween lagu qisaasi, waxaana sugnaaday in ragga haweenka loo qisaasi. waana taa caddaaladda Islaamka ciddii ku dhaqmi. Al-Maa’idah (44-45)

 

  1. Waxaana raacsiinnay raadkoodii Ciise ibnu Maryama isagoo rumayn wixii hortiisa ahaa oo Tawreed ah, waxaana siinnay Injiil oo hanuun iyo Nuur ku sugan yahay, una rumayn wixii ka horreeyey oo Tawreed ah hanuun iyo waanana u ah kuwa dhawrsada.
  2. Ha xukumeen ehelka-Injiil wuxuu kusoo dejiyey Eebbe dhexdiisa, cidaan xukumin wuxuu soo dejiyey Eebbe waa mid faasiq ah uun.
  3. Waxaana kugusoo dejiyey Kitaabka Xaqa Isagoo rumayn wixii ka horreeyey oo Kitaab ah, isagoo marag iyo ilaaliye u ah, ee ku kala xukun dhexdooda wuxuu soo dejiyey Eebbe hana ka raacin hawadooda waxa kuu yimid oo Xaq ah, dhammaan waxaan u yeellay Shareeco iyo waddo, hadduu doono Eebbana wuxuu idinka yeeli ummad kaliya, laakiin wuu idinku imtixaami wuxuu idin siiyey ee u tartama khayrka, xagga Eebbe yey noqoshadiinnu tahay, dhammaan wuxuuna idiinka warrami waxaad isku diiddanaydeen.

 

Waxaa ka dambeeyey Tawreed Nabi Ciise oo Injiil lagu soo dejiyey isagoo hanuun ah u rumaynna Tawreed, waxaana la faray Injiil ehelkeedii inay xukumaan waxa Eebbe soo dejiyey illeen ciddaan xukumin waxa Eebbe soo dejiyey waa uun faasiq ee. Markaasaa Qur’aanka sharafta leh Eebbe kusoo dejiyey Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) isagoo marag iyo ilaaliye u ah Kutubtii hore, waana in lagu dhaqmo, oon hawada laga dooranin, ummad kasta wuxuu Eebbe u yeelay Sharci iyo waddo, hadduu doonana wuxuu ka yeeli lahaa ummad qudha, laakiin inuu ku imtixaamo wuxuu siiyey, waana in wanaagga loo tartamo illeen Eebbaa loo noqone. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Annagu haddaan nahay Nabiyada waxaan nahay walaalo Diintannaduna waa mid.” Al-Maa’idah (46-48)

 

  1. Ku kala xukun dhexdooda wuxuu soo dejiyey Eebbe, hana raacin hawadooda, kana digtoonow inay kaa fidmeeyaan waxa Eebbe kugu soo dejiyey qaarkiis, hadday jeedsadaanna ogow in Eebbe la doonayo inuu ku asiibo [ciqaabo] dambigooda qaarkiis, wax badan oo dadka kamid ahna waa faasiqiin.
  2. Ma xukunka jaahiliyad yey doonayaan? Yaa uga fiican Eebbe xukunkiisa qawmka wax yaqiinsan [rumaysan]?

 

Wuxuu Eebbe faray Nabiga, ummaddiisuna waa la mide, inuu ku kala xukumo dadka Qur’aanka Eebbe soo dejiyey, uusanna raacin waxay gaaladu jeceshahay, kana digtoonaado inay ka leexiyaan Xaqa, hadday Xaqa ka jeedsanna waxaa u sabab ah dambigooda oo Eebbe u qabtay, dadka wax badan oo kamid ahna waa faasiqiin, mana habboona in xukun jaahili ah laga doorto xukunka iyo Sharciga Eebbe ee wanaagsan. Ibnu Kathiir wuxuu yidhi, “Eebbe wuxuu ku diidi oo canaanan kuwa ka leexda xukunka Eebbe ee kulmiyey khayr oo dhan, kana reeba xumaan oo dhan, oo uga leexday wax kasoo hadhay oo ra‘yi iyo hawo iyo nadaamyo ay sameeyeen dad iyagoon daliil Shareecada Eebbe ka haysan, ciddii saas fasha waa in lala dagaallamo intuu uga noqdo xukunka Eebbe iyo Rasuulkiisa, uusanna xukumin wax kasoo hadhay wax yar iyo wax wayn midna.” Xasan Basrina wuxuu yidhi, “Ciddii xukunta xukunka Eebbe waxaan ahayn, waa xukun jaahili ah.” Waana kaas Sharciga Eebbe iyo Diintiisii waxaana dhab ah ciddii ku dhaqantana inay heli nabadgalyo, caddaalad, barwaaqo iyo wanaag. Tii ka leexatana ay la kulmi halaag, qas, caddaalad-darro, khilaaf, nabadgalyo-la‘aan iyo dhib oo dhan, sida muuqata, waxaase lala hadli ciddii caqli leh. Al-Maa’idah (49-50)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, haka yeelanina Yuhuud iyo Nasaara sokeeye, qaarkood waa sokeeyaha qaarka [kale], ciddii ka sokeeya-yeelata oo idin kamid ah wuxuu kamid yahay iyaga, Eebbe ma hanuuniyo qawmka daalimiinta ah.
  2. Waxaad arkaysaan kuwa qalbiga ka buka [munaafiqiinta] oo u degdegi dhexdooda, iyagoo dhihi “Waxaannu ka cabsan inay nagu dhacdo dhibaato [socota],” waxay u dhawdahay in Eebbe keeno fatxi [gargaar] xaggiisa ah oo markaas ay ahaadaan kuwo waxay u qarsanayeen naftooda [oo jacaylka gaalada ah] qoomameeya.
  3. Waxay odhan kuwii rumeeyey [Xaqa], “Ma kuwaasaa kuwii ku dhaartay Eebbe dhaar adag inay idin la-jiraan? Waxaa hoobtay Camalkoodii waxayna ahaadeen kuwo khasaaray.”

 

Wuxuu Eebbe Sarreeye ka reebayaa kuwa Xaqa rumeeyey inay sokeeye ka yeeshaan Yuhuud iyo Nasaara ee ah col Islaamka iyo dadkiisa, illeen qaarkood qaarka kale sokeeyuu u yahaye, ciddii xidhiidh sokeeye la yeelatana iyaguu kamid yahay, Eebbana ma hanuuniyo qawm daalimiin ah, waxaana jira in kuwa munaafiqiinta ah ee qalbiga ka buka u degdagaan xidhiidhintooda iyagoo sheegi inay ka cabsan in dhib ku dhaco, waxayse u dhawdahay in gargaarka Eebbe yimaado oo markaas qoomameeyaan xumaantay qarsanayeen, waxayna odhan kuwa Xaqa rumeeyey, “Ma kuwaasaa kuwii dhaarta adag Eebbe ku dhaartay inay idin la-jiraan? Camalkoodu wuu buray wayna khasaareen.” Aayaduhuna waxay wareemi kuwaan noolaan karin xidhiidh-gaalo la‘aanteed, waana doqonnimo inaad colkaa saaxiib ka dhigato, yaase wax maqashiin dadka dhumay? Al-Maa’idah (51-53)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, ruuxii ka riddooba Diintiisa oo idin kamid ah, wuxuu Eebbe keeni qawm uu jecel yahay iyana jecel, una naxariista mu‘miniinta kuna daran gaalada, kuna jahaadi Jidka Eebbe oon ka cabsanayn canaanta canaante, taasina waa fadliga Eebbe wuxuuna siiyaa cidduu doono, Eebbana waa Deeq-Badane Og.
  2. Waligiinnu waa uun Eebbe iyo Rasuulkiisa iyo kuwa rumeeyey [Xaqa] ee ooga salaadda oo bixiya zakada oo rukuuca.
  3. Ciddii ka wali yeelata Eebbe iyo Rasuulkiisa iyo kuwa rumeeyey Xaqa, Xizbiga Ilaahay un baa adkaan.

 

Ilaahay wuxuu inoo sheegi ciddii ka jeedsata gargaarka Diintiisa iyo fulinta Sharcigiisa inuu Eebbe ku baddali mid ka khayr-roon, kana xoog badan kana toosan, oo ku jahaadi Jidka Eebbe, kana cabsanayn dagaalid, illeen Eebbaa fadligiisu waasac yahaye, mu‘miniintana Eebbaa u Wali ah, iyo Rasuulkiisa iyo kuwa Xaqa rumeeyey, ee tukada, zakadana bixiya, ciddii ka Wali yeelata Ilaahay, Rasuulkiisa iyo kuwa Xaqa rumeeyeyna wuu guulaysan, illeen Xizbiga Eebbe un baa adkaadee. Aayaduhuna waxay ishaari in ciddii gaalawda Eebbe ka kaaftoomi, kuna baddali mid ka fiican. Tan kale waa inaan Xaqa looga leexan loogana aamusin dagaalidda. Imaam Axmed waxaa laga wariyey in Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yidhi, “Yuuna ka reebin midkiin cabsida dadka Eebbe korkiisa inuu Xaqa sheego, illeen masoo dhaweeyo ajal, mana fogeeyo rizqi in Xaqa la sheego, ama loo sheegi mid wayn.” Al-Maa’idah (54-56)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, haka yeelanina kuwa ka yeeshay Diinta jeesjees iyo ciyaar oo ah kuwa ehlu-Kitaabka ah idinkana horreeyey iyo gaalada sokeeye, kana dhawrsada Eebbe haddaad tihiin mu’miniin.
  2. Markaad ugu dhawaaqdaan salaaddana waxay ka yeeshaan jeesjees iyo ciyaar, waxaana arrintaas ugu wacan inay yihiin qawm aan wax kasayn.
  3. Waxaad dhahdaa, “Ehlu-Kitaabow miyaad noogu cadhoonaysaan inaan rumaynay Eebbe iyo waxa naloo soo dejiyey iyo wixii la dajiyey horay mooyee? Badankiinnu waa faasiqiin.”
  4. Waxaad dhahdaa, “Maydinka warramaa waxa ka shar badan arrintaas? Abaal-marinta Eebbe agtiisa waa mid Eebbe nacladay una cadhooday kana yeelay daanyeerro, doofaarro iyo Shaydaan-caabude, kuwaasay shar badan tahay meeshoodu kana dhumid badan Jidka Toosan.”

 

Wax badan yuu Qur’aanku ka digay sokeeye-ka-yeelashada gaalada ka yeelan Diinta Eebbe jeesjees iyo ciyaar, ama ha ahaado ehlu-Kitaab ama gaala kale. Sidoo kale waxay ku jeesjeesaan aadaanka salaadda illeen waa kuwo aan wax kasayne, waxay Muslimiinta ku nici oon Xaqay rumeeyeen ahaynna ma jiro, waxaana u xun wax la arko cid Eebbe lacnaday, oo u cadhooday, oo ka yeelay daanyeer, doofaar iyo Shaydaan-caabud, waxaana jirta arrin dhab ah oo Qur’aanku ku celceliyo oo ah in gaalo tahay colka Eebbe, Nabiga, Diinta Islaamka ah, Muslimiinta iyo Xaqa toosanba, waana in laga digtoonaado lagana feejignaado. Al-Maa’idah (57-60)

 

  1. Hadday idiin yimaaddaan waxay dhahaan, “Waan rumaynay [Xaqa],” iyagoo lasoo galay gaalnimo, lana baxay, Eebbana waa ogyahay waxay qarin.
  2. Waxaad arkaysaa wax badan oo kamid ah oo u degdegi dambiga iyo colnimada iyo cunidda xaaraanta, waxaa xumaan badan waxay fali.
  3. May ka reebaan ikhyaartu iyo culimadu hadalkooda dambiga ah iyo cunidda xaaraanta, waxaa xumaan badan waxay samayn.
  4. Waxay tidhi Yuhuuddu, “Gacanta Eebbe waa laaban tahay,” hala laabo gacmahoodu hana la naclado hadalkay dheheen dartiis, saas ma aha ee waxay ku fidsan yihiin khayrka [deeq-badane] wuxuuna u nafaqeeyaa siduu doono, wuxuuna u kordhin wax badan oo iyaga kamid ah waxa lagaaga soo dejiyey Eebbahaa xad-gudub iyo gaalnimo, waxaana ku dhex-tuuray col iyo cadho tan iyo Qiyaame, mar kastoy huriyaan dab dagaalna waxaa bakhtiiya Eebbe, waxayna la socdaan dhulka fasaad, Ilaahayna ma jecla kuwa wax fasaadiya.

 

Munaafiqiintu meelay joogaanba kama tagaan gaalnimo iyo xumaan, Eebbana waa ogyahay waxay qarin, waxaadna ku aragtaa inay u degdegi dambiga, colnimada iyo xaaraan-cunka, wax xun bayna falaan, culimadaan ka reebin waxaasna waxay sameeyeen wax xumaan badan. Yuhuudna lacnadi haku dhacdee waxay af-xumeeyeen Ilaaheen Sarreeye, kuna sheegeen bakhaylnimo, iyagaase bakhayllo ah lana lacnaday ee Eebbe waa deeqsi siduu rabo wax u bixiya, waxayna ka qaadi Xaqa xad-gudub, gaalnimo, col dhexdooda ah, cadho tan iyo Qiyaamada, dabkay huriyaanna Eebbaa bakhtiin, dhulkana way fasaadiyaan Eebbana ma jecla kuwa wax fasaadiya. Al-Maa’idah (61- 64)

 

  1. Hadday ehlu-Kitaabku rumeeyaan Xaqa oy dhawrsadaan waxaan ka asturi lahayn xaggooda xumaantooda waxaana galin lahayn Jannada Naciimo.
  2. Hadday ku camal-falaan Tawreed, Injiil, iyo waxa looga soo dejiyey xagga Eebbahoodna waxay ka cuni lahaayeen korkooda iyo hoostooda [barwaaqo], waxaa kamid ah ummad dhexdhexaysa, wax badan oo kamid ahna waxaa xun waxay fali.
  3. Rasuulow gaadhsii [dadka] waxa lagaaga soo dejiyey Eebbahaa, haddaadan falin ma aadan gaadhsiin risaaladiisa [farriintiisa], Eebbaana kaa ilaalin dadka, Eebbana ma hanuuniyo qawm gaala ah.

 

Kutubta Eebbe soo dejiyey waa Xaq haddaan la leexin, saas darteed hadday ku camal-fali lahaayeen ehlu-Kitaabku waxaa la dhaafi lahaa dambigooda, waana la jannayni lahaa, waxayna heli lahaayeen barwaaqo, waxaase laga helaa cid dhexdhexaysa, wax badan baase xumaan fala, Eebbana wuxuu faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu gaadhsiiyo dadka waxa Eebbe kusoo dejiyey, hadduusan saas falinna wax ma gaadhsiin, dadkana Eebbaa ka dhawri, mana hanuuniyo gaalada. Caa‘isha waxay tidhi, “Hadduu Nabigu qarin waxa loo waxyooday wuxuu qarin lahaa aayaddan.” Nabiguna maalinta Xajkii Waynaa wuxuu warsaday asxaabta inuu gaadhsiiyey Xaqa iyo in kale, waxayna sheegeen inuu gaadhsiiyey. Markaasuu farta cirka u taagay oo yidhi oo kusoo celceliyey oo yidhi, “Eebbow sow ma gaadhsiin?” Al-Maa’idah (65-67)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Ehlu-Kitaabow, waxba ma tihidiin intaad ka oogtaan Tawreed, Injiil iyo waxa laydiin kasoo dejiyey xagga Eebbihiin [Qur’aanka],” wuxuuna u kordhin wax badan oo kamid ah waxa xagga Eebbahaa lagaaga soo dejiyey xad-gudub iyo gaalnimo ee haw murugoon qawmka gaalada ah.
  2. Kuwa Xaqa rumeeyey iyo kuwa yuhuudoobay iyo Saabi‘iinta iyo Nasaara ciddii rumeysa Eebbe, Maalinta Dambe [Qiyaamada] oo fala camal fiican cabsi korkooda ma ahaato iyo walbahaar [midna].
  3. Waxaan qaadnay ballanka Banii Israa‘iil, waxaana u dirnay xaggooda Rasuullo, markastoos ula yimaado Rasuul waxaan naftoodu jeclayn koox way beeniyaan kooxna way dilaan.
  4. Waxayna u maleeyeen inaan fidmo jirin, wayna indho-beeleen oo dhago-beeleen, markaasuu Eebbe ka tawbad aqbalay, markaasay indho-beeleen oo dhago-beeleen wax badan oo kamid ah, Eebbana waa arkaa waxay fali.

 

Ehlu-Kitaab waxba ma aha intay kaga socdaan waxay Tawreed, lnjiil iyo Qur’aanka fari, wax badan oo kamid ahna way xad-gudbaan oo gaaloobaan markay Qur’aanka maqlaan, ciddii Eebbe rumeysa iyo Qiyaame oo camal fiican fasha oo waafaqsan Shareecada Islaamka cabsi iyo murug midna ma hayso, reer Banii Israa‘iil wuxuu Eebbe ballan kaga qaaday inay Xaqa rumeeyaan, wayse buriyeen oy Rasuullada qaar beeniyaan qaarna dilaan, iyagoon dhib u arkayn, waase kuwo indho- iyo dhaga-la‘, waana arkaa Eebbe waxay fali. Aayaduhuna waxay caddayn in dadku qiimo ku leeyahay raacidda iyo ku-dhaqanka Xaqa, haddii kale waxba ma aha, wax qiima ahna ma laha. Al-Maa’idah (68-71)

 

  1. Waxaa gaaloobay kuwa yidhi, “Eebbe waa Masiixi ibnu Maryama,” wuxuuna yidhi Masiix [Ciise], “Banii Israa’iilow, caabuda Eebbe ee ah Eebbahay iyo Eebbihiin, ruuxii u shariik yeela Eebbe [la wadaajiya] wuxuu Eebbe ka xarrimay Jannada wuxuuna ku hoyan Naarta, daalimna ma helo gargaare.”
  2. Waxaa gaaloobay kuwii yidhi, “Ilaahay waa saddex midkood,” Ilaah kaliya mooyee ilaah kalana [Xaq lagu caabudo] ma jiro, haddayna ka joogin waxay sheegina waxaa taaban kuwa gaaloobay oo kamid ah cadaab daran.
  3. Miyeyna u tawbad keenayn Eebbe oyna dambi-dhaaf warsanayn? Eebbaana dambi-dhaafe naxariista ah.
  4. Masiix [Ciise] ibnu Maryama ma aha waxaan Rasuul ahayn, waxaana tagay hortiis Rasuulladii, hooyadiisna waxay ahayd rumayso, waxayna cuni jireen cunnada, day saannu ugu caddayn aayaadka markaas day sida loo iilo.

 

Aayadahanu waxay caddayn siday Nasaaro u gaalowday, oo ah inay Nabi Ciise ilaah ku sheegeen, oy dheheen waa ilaah saddaxaad, isagoy dhabtu tahay inuu Ilaah kaliya yahay wax la wadaaga ilaahnimada jirin, ciddii wax la wadaajisana Janno ka dheer tahay, Naarna uu gali, Nabi Ciisana yahay addoon Eebbe oo Rasuul ah sidii Rasuulladii hore, hooyadiina runlay tahay oyna ahaayeen kuwo wax cuna, balse day sida Xaqa loogu caddeeyey iyo siday u dhumi. Saas darteed yey doqonnimo tahay in Eebbe la diido ama ilaah kale la sheego, wanaag, sharaf, iyo Jannona waxaa mudan Muslimka toosan siduu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) u yidhi, “Ma galo Jannada ruux aan Muslim ahayn.” Al-Maa’idah (72-75)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Ma waxaad caabudaysaan Eebbe ka-sokow waxaan hananin dhib iyo dheef [midna] Eebbana yahay Maqle Oge ah?”
  2. Waxaad dhahdaa, “Ehlu-Kitaabow haku xad-gudbina Diintiinna si aan xaq ahayn, hana raacina hawada qawm dhumay mar hore dhumiyeynna wax badan kana dhumay Jidka Toosan.”
  3. Waa lagu lacnaday kuwii gaaloobay oo Banii Israa‘iil ah carrabka Daawuud iyo Ciise ibnu Maryama, arrintaasna waxaa ugu wacan caasinimadooda ahaayeenna kuwo xad-gudba.
  4. Waxayna ahaayeen kuwaan iska reebayn xumaan ay falayaan, waxaa xun waxay falayeen.
  5. Waxaad arkaysaan wax badan oo kamid ah oo ka sokeeye dhigan kuwo gaaloobay waxaa xun waxay u hormarsatay naftoodu oo ah in Eebbe u cadhooday, cadaabkana ay ku waari.
  6. Hadday yihiin kuwo rumeyn Eebbe iyo Nabiga iyo waxa lagu soo dejiyey mayna yeesheen sokeeye gaalo laakiin wax badan oo kamid ah waa faasiqiin.

 

Eebbaa cibaado muta awoodna leh, mana habboona in wax kale la caabudo, tan kale waa inaan lagu xad-gudbin Diinta si aan xaq ahayn oo cidna la siin xaqa Eebbe siday gaaladu faleen, kuwaasoo lagu lacnaday carrabkii Nabi Daawuud iyo Ciise ibnu Maryama, illeen xumaanta iskama reebi jirine, waxaana jira kuwo gaalada sokeeye ka dhigan, waase kuwo Eebbe u cadhooday oo ku waari Naarta, illeen hadday Eebbe iyo Nabiga dhab u rumeeyaan kamayna yeesheen sokeeye, laakiin wax badan oo kamid ah waa faasiqiin. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Fara wanaagga oo reeba xumaanta ka hor intaydaan intaad Ilaahay baridaan uusan idin ajiibin.” Taasina waxay muujin in wanaagga la faro dadka xumaantana laga reebo, jidka gaaladana laga fogaado. Al-Maa’idah (76-81)

 

  1. Waxaad ogaan kuwa dadka u daran colnimada kuwa [Xaqa] rumeeyey [Muslimiinta] Yuhuud iyo mushrikiinta [diinlaawayaasha] waxaad ogaan kuwa ugu soo dhaw jacayl kuwa rumeeyey Xaqa [Muslimiinta] inay yihiin kuwa dhihi, “Waxaan nahay Nasaaro,” illeen waxaa kamid ah qaysas iyo raahibiin ismana kibriyaan.
  2. Markay maqlaan waxa lagu soo dejiyey Rasuulkana waxaad arkaysaa indhahoodoo ilmo ka daadan waxay aqoonsadeen oo Xaqa ah iyagoo dhihi, “Eebbow waan rumeynay ee nagu dhig [yeel] kuwa marag furi [Xaqa qiri].”
  3. “Maxaanaan u rumeynaynin Eebbe iyo waxa noo yimid oo xaq ah oonaan u damcaynin inuu na galiyo [naga mid yeelo] Ilaahanno qawmka suubban la-jirkooda.”
  4. Wuuna ku abaal-marin Eebbe waxay dhaheen Jannooyin oy socoto dhexdeeda wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, taasina waa abaal-marinta sama-falayaasha.
  5. Kuwa gaaloobay oo beeniyey aayaadkannaga kuwaasu waa Jaxiimo ehelkeeda.

 

Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi waxay kusoo degtey aayadahan Najaashi iyo saaxiibbadiis, markuu Jacfar ku akhriyey Qur’aanka, waxaase muuqata had iyo jeer colnimada iyo nacbaanta Yuhuud iyo diinlaaweyaashu u qabaan Xaqa iyo Diinta Islaamka iyo Muslimiinta, hase yeeshee hadday Nasaaradu ugu dhaqmi Injiil si dhab ah oo sugan waa inay noqdaan sida aayaduhu sheegeen oo ka dhawraan colka iyo waxyeellada Muslimiinta iyo Diinta Islaamka, haddii kale kuma dhaqmaan Injiil ee waa Yuhuud ama Mulxidiin diinlaawayaal ah, kuwaasna waxaa Xaqa u diiday xasad, isla-wayni, xumaan-jacayl iyo inay xorriyad u helaan si ay uga dharjiyaan naftooda wax kastoo xumaan ah oy doonaan. Waxaana sugnaatay hadduu la kaliyoobo Yuhuudi ruux Muslim ah wuxuu doonaa inuu dilo. Taasina way muuqataa had iyo jeer, waase in laysku duubnaado lagana digtoonaado, lagana hortago. Al-Maa’idah (82-86)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, ha xarrimina wanaagga [xalaasha] Eebbe idiin banneeyey hana xad-gudbina, Eebbe ma jecla kuwa xad-gudbee.
  2. Waxna ka cuna wuxuu idinku arzaaqay Eebbe isagoo xalaal fiican ah kana dhawrsada Eebbe ee ah kaad rumeysan tihiin.
  3. Eebbe idiin ma qabto dhaar dan-la‘aaneed [laqwi] laakiin wuxuu idiin qaban dhaartaad u qasaddaan, kafaaradeeduna waa quudin toban miskiin [oo siisaan] kan u dhexeeya waxaad ku quudisaan ehelkiinna ama arrad-bixintooda ama xorayn qoor, ciddaan helinna waxay soomi saddex maalmood, taasaana ah kafaarada dhaartiinna markaad dhaarataan, ee dhawra dhaartiinna, saasuuna idiinku caddayn Eebbe aayadkiisa, waxaadna mudan tihiin inaad ku mahdisaan.

 

Ma bannaana wax Eebbe banneeyey in la xarrimo, ama lagu xad-gudbo, illeen Eebbe ma jecla kuwaas xad-gudbee, waana in xalaasha fiican la cuno. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Waxay soo degtay mar koox asxaabtii ah ay damceen in nolosha adduunka dhan ka maraan, markaasuu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yidhi markii loo sheegay, ‘Anigu waan soomi (sunnaha) oon marna afuri, marna waan tukan (sunnaha) marna waan seexan, haweenkana waan guursan ee ciddii Sunnadayda (waddadayda) qaadatana waa iga mid, ciddaan qaadaninna iga mid ma aha.’” Ibnu Abii Xaatim. Aayadda kalana waxay ka warrami inaan Eebbe inoo qabanayn dhaarta carrabku xado ee midda loo qasdo un baa laysu qaban, waxaana lagu kafaara-gutaa haddaan la falinin toban miskiin quudintood ama arrad-bixintood ama xorayn qoor, waase in la dhawraa dhaarta Eebbana wax walba wuu caddayn inaad ku mahdisaan. Al-Maa’idah (87-89)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, khamrada, qamaarka, sanamyada [taagan] iyo faalku waa uun xuman [wasakh] oo camal Shaydaan ah ee ka fogaada inaad liibaantaan.
  2. Wuxuu uun dooni Shaydaanku inuu idinku dhex-tuuro colnimo iyo is-nac khamrada iyo qamaarka idinkana celiyo xusidda Eebbe iyo salaadda ee maka joogaysaan? [ka jooga.]
  3. Adeeca Eebbe adeecana Rasuulka, digtoonaadana, haddaadse jeedsataan ogaada waxaa uun Rasuulkannaga saaran gaadhsiin cadi.
  4. Dhib [dambi] ma saarra kuwa Xaqa rumeeyey oo camal fiican falay waxay quuteen hadday dhawrsadaan oy Xaqa dhab u rumeeyaan camal fiicanna falaan, oy xumaanta ka dhawrsadaan oy Xaqa rumeeyaan, haddana dhawrsadaan samana falaan, Eebbana wuxuu jecel yahay samo-falayaasha.

 

Khamrada iyo qamaarka, iyo wax u gawricidda iyo xuska sanamyada la taagay iyo faalkuba waa waxyaalo xun oo camal Shaydaan ah, oo khayrka kaa celin, colnimo iyo cadhana beeri waana waajib inuu ruuxa Muslimka ah ka fogaado isagoo Eebbe iyo Rasuulkiisa adeeci, ciddii Xaqa ka jeedsatana waxba Rasuulka kama saarna oon gaadhsiin cad ahayn, dadkiise falay wax kamid ah waxaas intaan la xarrimin dambi ma saarna hadday dhab Xaqa u rumeeyaan kadib oo dhawrsadaan camal fiicanna falaan, illeen Eebbaa jecel sidaase. Xumaanta khamrada, qamaarka iyo waxa la midka ah wax qarsoon ma aha, waana Aakharo-, adduun-, caafimaad-, xoolo-, caqli- iyo sharaf-waa, inta caqliga leh oo dhanna waxay ku kulmeen xumaanta iyo waxyeellada khamrada, waxaana ka warramay xaaraannimadeeda iyo waxyeelladeeda Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) waxaana kamid ah, “Wax kastoo wax waaliya waa khamro waana xaaraan,” iyo “Eebbe ha lacnado khamrada, kan cabba, kan waraabiya, kan gada, kan gata, kan xambaara, kan loo xambaaro, kan miira, kan loo miiro iyo kan cuna lacagteeda.” Waxaa wariyey Imaam Axmed. Bal day xaalkeeda iyo xumiddeeda, wataas aragtida Islaamka ee khamrada. wuxuuna Eebbe banneeyey waxyaalo macaan oo fiican oo la cabbo, maxayse ka heleen kuwa banneeyey? Waa uun waalli, cudur, dil, nabadgalyo-darro iyo xumaan oo dhan, illeen khamro waa hooyada xumaantee, maxaa ka fiican Islaamka iyo wuxuu fari? Waana waajib in la raaco. Al-Maa’idah (90-93)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, wuxuu idinku imtixaami Eebbe wax ugaadha kamid ah [waqtiga Xajka] oo gaadhayaan gacmihiinnu iyo waramihiinnu in Eebbe muujiyo cidda ka cabsata isagoo kali ah, ciddiise xad-gudubta intaas kadib wuxuu mudan cadaab daran.
  2. Kuwa Xaqa rumeeyow, ha dilina ugaadha idinkoo xarman, ciddiise disha oo idin kamid ah si kas ah waxaa saaran wuxuu dilay wax lamid ah oo xoolo ah oy xukumi labo caadil ah oo idin kamid ah isagoo ah hadiyad gaadhi Kacbada, ama kafaaro-gud quudin masaakiin ama wax u dhigma oo soon ah inuu dhadhamiyo ciqaabta amarkiisa, wuu idinka saamaxay Eebbe wixii horreeyey ciddiise ku noqota wuu ka aarsan Eebbe, Ilaahayna waa Adkaade aarsada.

 

Aayaduhu waxay ka warrami in waqtiga la xarmado Xajka ama Cumrada ay reebban tahay in ugaadha la laayo, waxaana jirtay inuu Eebbe ku imtixaamay Muslimiintii arrintaas si loo kala caddaado ciddii saas fashana way xad-gudubtay, waxaana saaran inuu gudo ugaadhuu dilay wax lamid ah oo xoolo ah, waxaana qiimayn labo caadil ah oo Muslimiinta kamid ah, waxaana la geyn Xaramka Makkaad sadaqo ahaan, haddii kale wuxuu quudin masaakiin qiimihiisa ama wuu soomi si uu u dhadhamiyo ciqaabta gafkiisa, intaan layska reebin wixii dhacay waa ka saamaxay Eebbe, ciddii ku noqotana wuu ka aarsan. Muqaatil binu Xayaan wuxuu yidhi, “Waxay soo degeen Cumradii Xudaybiyo. Taasina waxay ku tusin inay waajib tahay inuu gawraco waqtiga Ixraamka.” Al-Maa’idah (94-95)

 

  1. Waxaa laydiin banneeyey ugaadhsiga badda iyo cunnadeeda idinkoo ku intifaaci iyo socdaalba, [idinkoo xarman] waxaana laydinka reebay ka-ugaadhsiga barriga intaad xarman tihiin, ka-dhawrsada Eebbaha xaggiisa laydiin soo kulmin.
  2. Wuxuu ka yeelay Ilaahay Kacbada Bayd [guriga] Xurmada leh, dhawridda dadka iyo bilaha xurmada leh iyo hadyada iyo tan la calaameeyey [hadyada darteed] waana inaad ogaataan in Eebbe ogyahay waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka iyo in Eebbe wax kasta ogyahay.
  3. Ogaada in Eebbe ciqaabtiisu daran tahay Eebbana yahay dambi-dhaafe naxariista.
  4. Ma saarra Rasuulka waxaan gaadhsiin ahayn, Eebbana waa ogyahy waxaad muujinaysaan iyo waxaad qarinaysaan.

 

Aayadahanna waxay ka warrami in Ilaahay u banneeyey muxrimka Xajka iyo Cumrada inuu cuno waxa badda laga soo saaro, waxaase laga reebay ka-ugaadhsiga barriga intay xarman yihiin waana inay ka dhawrsadaan Eebbaha xaggiisa laysu soo kulmin. Kacbadana wuxuu Ilaahay ka yeelay guri sharaf leh oo xurma leh, dadkana maslaxo, iyo nabadgalyo ugu sugan tahay. Sidoo kale bilaha xurmaysan iyo hadyadda Xaramka loo wado, arrintaasna waxaa ugu wacan in Ilaahay ogyahay waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, iyo wax kastaba, waana in la ogaado in Eebbe ciqaab daran yahay, naxariistana, Rasuulkana waxaan gaadhsiinta Xaqa ahayn ma saarra, Eebbana wuu ogyahay waxa la muujin iyo waxa la qarsanba. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi isagoo badda ka warrami, “Waa daahir biyaheedu waana xalaal waxeeda dhinta.” Imaam Axmed. Waana waxyaalaha Eebbe dadka ugu nicmeeyey, kuna tusin awoodda Eebbe iyo naxariistiisa oy waajibna tahay in si fiican oo xaq iyo caddaalad ah loogu intifaaco laguna aqoonsado Eebbe iyo deeqdiisa. Al-Maa’idah (96-99)

 

  1. Waxaad dhahdaa [Nabiyow], “Ma eka wax xun iyo wax fiican aadba la yaabtid badnida kan xune, kana dhawrsada Eebbe dadka caqliga lahow inaad liibaantaan.”
  2. Kuwa Xaqa rumeeyow, ha warsanina waxyaalo haddii laydiin muujiyo idin murug-galin, haddaana warsataan marka Qur’aanka lasoo dejin waa laydiin muujin, wuuna idinka cafiyey Eebbe xaggeeda Ilaahayna waa dambi-dhaafe dul badan.
  3. Waxaa warsaday qawm idinka horreeyey markaasay noqdeen kuwo ka gaalooba [markii loo muujiyey].

 

Aayadahan waxay caddayn inaan xumaan iyo wanaag sinnayn, si kasto haw badnaato xumaantuye, waana inay dhawrsadaan dadka caqliga leh ee wax-garadka ah. Waxaana xadiith ku sugnaatay, “Wax yar ood gudato shukrigiisa yaa kaaga fiican wax badan oodan karin.” Taasina waxay ku tusin in waxa wanaagsani fiican yahay wuxuu yahayba, waxa xumina qiimo daran yahay si kasto haw batee ama wuxuu dooni ha noqdee. Waxaa kale oo aayadaha dambe ka warrami inaan la badinin warsiga macna-la’aaneed iyo ujeeddo-xumo illeen Diintu waa caddahaye, wixiise kaa qarsooma waa inaad si xushmad leh u warsataa ciddii garan, waxayna soo degeen aayaduhu mar Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) uu khudbad akhrinayey oo yidhi, “Haddaad ogtihiin waxaan ogahay wax badan baad ooyi lahaydeen, wax yarna waad qosli lahaydeen.” Markaasay asxaabtii wajiga dabooleen, iyagoo ooyi, markaasuu nin warsaday, “Aabbahay waa kuma?” Markaasay soo degeen aayaduhu, illeen Yuhuud iyo Nasaaro iyo gaaladii kalaba waxay warsan jireen warsi xun iyo madax-adayg wayna ka gaaloobi jireen. Wax warso laakiin si maamuusa iyo wax loo baahan yahay oo macquula oo wax tari. Al-Maa’idah (100-102)

 

  1. Ma yeelin Eebbe xoolo caanahooda sanamyada loo bixiyo [Baxiira] iyo xoolo sanamyada loo siidaayo [Saa’ibo] iyo xoolo dhaddig oo sanamyada lagu sadaqaysto [Wasiilo] iyo riti sanamyada loo daayo [Xaam]. Laakiin kuwii gaaloobay waxay ku been-abuuraan Eebbe been, badankoodna wax ma kasayaan.
  2. Marka loo yidhaahdo, “U kaalaya waxa Eebbe soo dejiyey iyo xagga Rasuulkana,” waxay dhahaan, “Waxaa nagu filan waxaan ka hellay aabbayaalkanno,” oo hadday aabbayaalkood ayna wax ogayn hanuunsanayna? [Ma raacayaan?]
  3. Kuwa Xaqa rumeeyow, waxaa idin saaran naftiinna, idinma dhibo ciddii dhunta haddaad hanuunsantaan, xagga Eebbe un baana noqoshadiinnu tahay dhammaan wuxuuna idinka warrami waxaad camal falayseen.

 

Jaahiliintii waxay ahaayeen kuwo aan Eebbe si fiican ugu xidhnayn, jaahil oo dhan caadadiisu waa saas, xoolahoodana waxay u bixin jireen waxaan dar Eebbe ahayn, sida sanamyada iyo waxa la midka ah, caanaha yey u bixin jireen neefkana way u siidayn jireen sanamyada, hadday dhaddig isku xijisiisana ama ritigu wax badan rimiyo waxay u siidayn jireen sanamyada, waana been-abuurasho aan xujo lahayn, marka Qur’aanka iyo Rasuulka loogu yeedhana waxay raacaan waxay aabbayaalkood oon wax ogayn hanuunsanaynna ka heleen, taasina waa ceeb weyn. Tan kale markaad toosnaato Xaqana si dhab ah dadka u fartid ciddii diidda oo dhunta waxba kaama saarra, mana aha ujeeddada aayaduhu inaan Xaqa la farin ee naftaada kaliya uun xil kaa saaran yahay, ma aha saas, waa inaad wanaag si fiican u farto, xumaantana si fiican uga reebto kadib xil kuma saarra. Waxaa jirta in dadka qaarkood si qalad ah u fahmeen aayaddan, oy dhaheen “Ani naftayda un baa i saaran ee maxaa dad kale hadduu dhumi iga galay?” Ma jiro cid kaligeed uun toosnaan karta dadkuna dhunsan yahay, illeen dadku waa xubin kaliya oo kale, waxaana khaladkaas ka waaniyey dadka Sayid Abuu-Bakar oo yidhi, “Waxaad ku fasirtaan aayadda si aan sideedii ahayn, wanaagga fara xumaantana reeba, siduu Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee).” Al-Maa’idah (103-105)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, maragga dhexdiinna ah markii mid idin kamid ah geeridu u timaaddo uu dardaarmi waa labo caadil oo idin kamid ah, ama labo kale oon idin kamid ahayn, markaad socdaal tihiin oo geeri idin hesho, idinkoo ku reebi salaad dabadeed iyagoo ku dhaaran Eebbe haddaad shakidaan, “Inaanan ku gadanayn qiimo yar qaraababa ha ahaadee, qarinna mayno maragga Eebbe markaas aan noqonno kuwa dambaabay.”
  2. Haddii la ogaado inay muteen dambi waxaa meeshooda joogsan [oo la dhaarin] labo kale oo ah kuwa ugu mudnaan badan dhaxalkiisa, wayna ku dhaaran Eebbe inuu maraggoodu ka xaqsan yahay maraggooda, “Mana xad-gudbaynno markaas aan noqonno daalimiin.”
  3. Saasaana u dhaw inay maragga ula yimaadaan sidiisa fiican ama ay ka cabsadaan in la diido dhaartooda intay dhaartaan kadib, ee ka dhawrsada Eebbe maqlana, Eebbana ma hanuuniyo qawm faasiqiin ah.

 

Aayadahani waxay ka warrami in hadduu ruux socdaal ah geeri u timaaddo uu ku dardaarmi labo caadil oo Muslim ah hortood haddii la waayana labo kale, iyagoo la dhaarin salaado dabadood inay run sheegi ooyan wax khayaamayn, oyna qarinayn xaqa. Haddii la shakiyana waxaa beddeli oo dhaaran inay xaqaas muteen labo kamid ah kuwa ugu dhaw kii dhintay, waxayna ku dhaaran in iyagu ka run badan yihiin. Saasaana u toosan in maragga ay u gutaan iyadoo saxiix ah si aan hadda kadib loo celin maraggooda. Waana Eebbe in laga yaabo, Xaqana la maqlo, illeen Ilaahay ma hanuuniyo qawm faasiqiin ah. Taasina waxay ku tusin siduu Islaamku ugu dadaali dhawridda xuquuqda dadka, una qadarin dadka Diinta haysta, una fari caddaalad, Eebbe ka-yaabid, sharaf-dhawrid iyo wanaag ku-dadaalid. Al-Maa’idah (106-108)

 

  1. [Ka warran] maalintuu kulmin Eebbe Rasuullada kuna dhihi, “Maxaa laydiinku jawaabay?” oy dhihi “Ma ogin Adiga un baa ogaal badan waxa maqan.”
  2. [Xusuuso] markuu Eebbe dhihi, “Ciise binu Maryamow, xusuuso nicmadaydii korkaaga ahayd iyo hooyadaaba markaan kugu xoojinnay Ruuxii Daahirka ahaa [Jibriil] ood kula hadlaysay dadka sariir-ilmood iyo adoo meel dhaxaada, iyo markaan ku baray Kitaabka iyo Xikmadda, iyo Tawreed iyo Injiil, iyo markaad ka yeelaysay dhoobada sidii shimbir idankayga ood afuufaysay oy noqonaysay shimbir idankayga, ood bogsiinaysay indhoole-ku-dhashe iyo baraslaha idankayga, ood soo bixinaysay maydka idankayga, markaan kaa kaafiyey Banii Israa’iil markaad ula timid xujooyin, oy dheheen kuwii gaaloobay oo kamid ah, “Kani waxaan sixir ahayn ma aha.”
  3. Markaan u waxyooday [ku ilhaameeyey] saaxiibbadi, “I rumeeya Aniga iyo Rasuulkayga,” oy dhaheen, “Waan rumaynay ee marag ka noqo inaan Muslimiin nahay.”

 

Aayadahan waxay ka warrami mucjisooyinkii Eebbe siiyey Nabi Ciise, sida lagu soo sheegay Suuradda Aali-Cimraan, waxaas oo mucjiso ahna waxay ku tusin awoodda Eebbe, iyo inuu isaga uun khayrku ka yimaado, wayna waajib tahay in si dhab ah loo caabudo loona raaco Sharcigiisa. Nabi Ciisana waa addoon Eebbe oo lamid ah Nabiyada kale iyo dadka, waana doqonnimo iyo waalli in la siiyo awood uusan mudan ama lagu sheego ilaahnimo sida Nasaaradu citiqaadiso, sidee ruux caqli leh u caabudi wax Eebbaha wax walba abuuray kasoo hadhay, waa la-yaab, Eebbe nama dhumiyo. Aayadda hore iyadu waxay ka warrami inuu Eebbe Qiyaamada warsan Rasuullada isagoo og waxay ugu jawaabeen qoomkoodii, iyaguna xaalkoo dhan waxay u celiyeen Eebbe khatamimada Qiyaamada iyo dhibaatada taalla. Taasina waxay ku tusin inay waajib tahay dhab u-caabudidda iyo ku-xidhnaanta Eebbe iyo raacidda Rasuullada. Al-Maa’idah (109-111)

 

  1. [Xusuuso] markay dheheen Xawaariyiintii, “Ciise Ibnu Maryamow, ma karaa Eebbahaa inuu nooga soo dejiyo xeedho [cunno] samada?” Wuxuuna yidhi, “Ka dhawrsada Eebbe haddaad mu’miniin tihiin.”
  2. Oyna dheheen, “Waxaannu dooni inaan wax ka cunno oy xasisho quluubtannadu oon ogaanno inaad run noo sheegi oonu noqonno kuwa ka marag kaca.”
  3. Uuna yidhi Ciise binu Maryama, “Ilaahayow Eebbahannow nooga soo deji xeedho samada u noqota ciid kaannaga hore iyo kaannaga dambe iyo aayad xaggaaga ka ahaatay, nana arzaaq adaa arzaaqe u khayr roone.”
  4. Wuxuuna yidhi Eebbe, “Waan kusoo dejin korkiinna ee ciddii ka gaalowda kadib oo idin kamid ah waxaan cadaabi cadaab aanan cadaabayn ruux caalamka kamid ah.”

 

Aayadahan waxay ka warrami Maa‘idada lagu magacaabay suuradda, waxayna kamid tahay mucjisooyinka Eebbe Nabi Ciise ku mannaystay, taasoo ah inay warsadeen in Eebbe samada cunno uga soo dejiyo, markuu Nabi Ciise ka waaniyeyna waxay sheegeen inay dooni inay wax ka cunaan, qalbigooduna xasilo, ogaadaanna runta Nabi Ciise, maragna ay ka noqdaan. Markuu Nabi Ciise baryey Eebbe inuu usoo dejiyo, si ay ciid ugu ahaato mid hore iyo mid dambaba, iyo calaamadba, Eebbana wuxuu u yaboohay inuu soo dejin, ciddiise ka gaalowda wuxuu u cadaabi cadaab aan cid kale la cadaabin. Warsashada saasoo kale ahna waa laga fiican yahay, ruuxu waa inuu rumeeyo awoodda Eebbe, wixii anficina uu warsado, isagoon madax-adayg iyo xumaan uga qasdin, dhabtuna waa in Eebbe wax walba ahaysiiyey, fali wuxuu doono, Nabiyadana ay run sheegi, oyna waajib tahay in dhab loo rumeeyo dhammaan lana raaco Xaqay u yeedhi, si loo liibaano. Al-Maa’idah (112-115)

 

  1. [Xusuuso] markuu yidhi Eebbe, “Ciise binu Maryamow, ma adaa ku yidhi dadka ka yeesha ani iyo hooyaday ilaahyo Eebbe ka sokow?” uuna yidhi, “Waad nazahan tahay iguma habboona inaan dhaho waxaanan xaq u lahayn, haddaan idhina waad ogtahay, waxaadna ogtahay waxa naftayda ku sugan anuguse kuma ogi, adiga un baa ah kan waxa maqan og.”
  2. “Kuma dhihin waxaad i fartay waxaan ahayn, oo ah caabuda Eebbahay iyo Eebbihiin, waxaana ku ahay marag intaan ku noolahay dhexdooda markaad i oofsatana Adaa Ilaaliye u ah Adi un baana wax walba marag u ah.”
  3. “Haddaad cadaabto waa uun addoomadaadii, haddaad u dhaaftana Adi un baa Adkaade Falsan ah.”

 

Aayadahani waa gooddi Ilaahay u jeediyey Nasaarada caabuday Nabi Ciise iyo hooyadiis, isagoo Eebbe ku yidhi Nabi Ciise, “Ma adaa u yidhi dadka ilaah ka yeesha aniga iyo hooyaday Eebbe ka sokow?” Ilaahayna wuu ogyahay inuusan Nabi Ciise farin xaalkaas ee waa cabsi-galin kuwii caabuday, Nabi Ciisana wuxuu ku jawaabay in Eebbe ka nazahan yahay waxaas, “Xaqna uma Iihi inaan sheegto waxaanan mudan, haddaan idhi iyo haddii kalaba waad ogtahay, waxaad ogtahay naftayda waxa ku sugan umase ogi anugu, Adiga un baa wax walba oo maqan og. Waxaan Eebbe caabuda ahayn ma farin, intaan dhex-joogay anaa u marag ah haddaad i oofsatana Adaa ilaalin oo wax walba ka marag ah, haddaad cadaabtana waa addoomadaadii, haddaad u dhaaftana Adigaa Adkaade Falsan ah.” Waana kaas hadalkii Nabi Ciise, oo ah in cibaadada Eebbe kaliya uu farayey, wax in la caabudo mudan oon Eebbe ahayna ma jiro, isagoo xaq u Ieh cibaado iyo waynaynba. Al-Maa’idah (116-118)

 

  1. Wuxuu yidhi Eebbe “Kani [Maanta] waa maalinta ay anfici kuwa runta sheega runtoodu, waxaana u sugnaaday Jannooyin oy socoto dhexdeeda wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda waligood waxaana ka raalli noqday Eebbe iyana way ka raalli noqdeen. Taasina waa liibaanta wayn.
  2. Eebbaa iska leh xukunka samooyinka iyo dhulka iyo waxa ku dhex-sugan Eebbana wax kasta [uu doono] wuu karaa.

 

Eebbana wuxuu sheegay in Qiyaamada ay anfici runtu ciddii runle ahayd, oy Jannana gali iyadoo ku waari Eebbaana ka raalli noqon iyana way ka raalli noqon, taasina waa liibaan wayn, xukunka samooyinka iyo dhulka iyo waxa ku dhex-jirana Eebbaa iska leh wax walbana wuu karaa, wax walbana awooddiisay ku jiraan, waxaana run sheegay Nabi Ciise iyo inta lamid ah ee cibaadada Eebbe u qirtay, waxaana been sheegay Nasaarada iyo waxa lamid ah ee caabudi wax Eebbe kasoo hadhay. Al-Maa’idah (119-120)

 

Suurat Al-Ancaam

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Mahad Eebbaa iska leh ahna kan abuuray samooyinka iyo dhulka, yeelayna mugdiyada iyo nuurka, kuwa gaaloobayse Eebbahood yey wax la simi [la caabudi].
  2. Eebbe waa kan idinka abuuray dhoobo markaas xukumay ajal [muddo] ajal magacaaban yaana agtiisa ah, idinkuse gaalooy waad shakisan tihiin.
  3. Eebbe waa Ilaaha samooyinka waxa ku sugan iyo waxa dhulka ku sugan wuxuuna ogyahay qarsoodigiinna iyo muujiskiinna, wuxuuna ogyahay waxaad kasbanaysaan.

 

Eebbeheen wuxuu ku billaabay suuraddan ammaantiisa iyo siduu u abuurey cirka iyo dhulka, iyo mugdiga iyo nuurka, dadkana ka ahaysiiyey dhoobo (aabbahood Aadan), muddana u yeelay mana habboona in wax lala caabudo, ama la shakiyo, waana Ilaaha xaqa ah ee cirka waxa ku sugan iyo Ilaaha xaqa ah ee dhulka waxa ku sugan, ogna qarsoodiga dadka iyo muujiskooda iyo waxay kasbanba, waxayna aayaduhu adkayn Ilaahnimada Eebbe iyo awooddiisa iyo xaqnimadiisa mudan yahay mahad, cibaado iyo raacidda sharcigiisa. Al-Ancaam (1-3)

 

  1. Aayaddii u timaadda oo aayadaha Eebbahaa kamid ah way ka jeedsadaan.
  2. Waxayna dhab u beeniyeen Xaqii markuu u yimid waxaase u imaan doona [cidhibta] warkay ku jeesjeesayeen.
  3. Miyeyna arkayn intaan halaagnay hortood [wax badan] oo qarniyo ah, oon ku makaninay [siinnay] dhulka waxaanaan idin makanin [siinin] waxaan uga soo deynay samada [roob] darar ah, waxaana ka yeelay wabiyada kuwo socda dhexdooda waanse halaagnay dambigooda dartiis waxaana ahaysiinnay gadaashood qarni kale.

 

Aayadahani waxay ka warrami madax-adayga gaalada oo mar kastoo u timaaddo mucjisad beeniya oo Xaqa ka jeedsada, waxayse la kulmi doonaan ciqaabta madax adaygoodaas, maxaa yeelay hortood wax badan baa la halaagay kuwo ka xoog badan oo loo barwaaqeeyey, kuwa kalana lagu baddalay, taasina waxay ku tusin inaan cidna isku hallayn awood, illeen wax kastaba Eebbaa ka awood badane, oo ka yeelay dad wax is-bidayey sheeko iyo meel madhan, iyo raad cidla ah. Al-Ancaam (4-6)

 

  1. Haddaan kugu soo dejinno Nabiyow Kitaab qoran oo ay ku taabtaan gacmahooda waxay odhan kuwii gaaloobay, “Kani waxaan sixir cad aan ahayn ma aha.”
  2. Waxayna dhihi, “Maa lagusoo dejiyo malag,” haddaan soo dejinno malagna waxaa la dhammayn lahaa amarka [halaagga] lamana sugeen.
  3. Haddaan ka yeello malagna waxaan ka yeeli lahayn nin, markaasaan iskaga dari lahaydeen xaalka siday isaga dari jireen.
  4. Waxaa dhab ahaan loogu jeesjeesay Rasuullo kaa horreeyey waxaana kuwii jeesjeesay ku dhacay [ciqaabti] waxay ku jeesjeeseen.
  5. Waxaad dhahdaa, “Ku socda dhulka oo eega siday noqotay cidhibtii beeniyeyaasha Xaqa.”

 

Aayadahan wuxuu Eebbe kaga warrami madax-adayga gaalada iyo in si kastoo Xaqa loo tuso ay diidi kana jeedsan, waxayna dooni in malag lagu soo dejiyo, haddii lagu soo dejiyana waxaa loo yeeli lahaa suuro dad inay arkaan, markaasay haddana diidi lahaayeen, waxaana shaqadooda kamid ah jeesjees iyo isla-weyni, waxayse noqotaa cidhibta jeesjeesaha ciqaab iyo halaag ee dhulka mar si aad u ogaato waxa ku dhacay gaaladaas Xaqa beeniyey waxaase habboon rumaynta Xaqa iyo raaciddiisa iyo ka-fogaanta xumaanta iyo Xaq-diidka iyo isla-waynida. Al-Ancaam (7-11)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Yaa leh waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka?” Dheh “Eebbe, wuxuuna isa saaray naxariis, wuxuuna idin kulmin maalinta Qiyaame shakina ma leh, kuwa khasaariyey naftoodase ma rumaynayaan.”
  2. Eebbe waxaa u sugnaaday waxa xasila habeenkii iyo maalintiiba waana maqle oge ah.
  3. Waxaad dhahdaa, “Ma wax Eebbe kasoo hadhay yaan ka yeelan wali [la caabudo]? Eebbaana ah kan abuuray samooyinka iyo dhulka isagaana wax quudiya lamase quudiyo.” Waxaad dhahdaa, “Waxaa lay faray inaan noqdo kan ugu horreeya cid islaanta [hoggaansanta ummaddan] oonan kamid noqoninna mushrikiinta.”
  4. Waxaad dhahdaa, “Anigu waxaan ka cabsan haddaan caasiyo Eebbahay cadaab maalin wayn.”
  5. Ciddii laga iilo cadaabka maalintaas wuu u naxariistay Eebbe taasina waa liibaanta cad.

 

Ilaaheen wuxuu nooga warrami inuu leeyahay xukunka cirka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya iyo in naxariistiisu badan tahay, siduu xadiith Qudsi ah ku yidhi, “Naxariistaydaa ka badan cadhadayda,” isagaana dadka usoo kulmin Qiyaamaha shaki la‘aan, ciddii khasaarisay nafteedase ma rumayso, waxa xasila habeenka iyo dharaarta iyo waxa dhaqdhaqaaqana Eebbaa iska leh, waana maqle oge ah, wax xaq lagu caabudo oon Isaga ahayna ma jiro, waana quudiye aan la quudinin, waana in loo hoggaansamo, gaaladana laga fogaado illeen cadaab maalin wayn yaa jirta ciddii laga ilaaliyana uu liibaanaye. Al-Ancaam (12-16)

 

  1. Hadduu ku taabsiiyo Eebbe dhib wax faydi ma jiro Isaga mooyee hadduu ku taabsiiyo khayrna Isagaa wax walba kara.
  2. Waana ka-adkaadaha addoomadiisa korkooda waana falsame xeel dheer.
  3. Waxaad dhahdaa, “Yaa ugu wayn marag?” Waxaad dhahdaa, “Eebbaa maragga dhexdeenna ah, waxaana lay waxyooday Qur’aankan inaan idiinku digo idinka iyo cidduu gaadho. Idinku ma waxaad marag furaysaan inay Eebbe la jiraan ilaahyo kale?” Waxaad dhahdaa, “Ma marag furayo [saas].” Waxaad dhahdaa, “Eebbe waa uun Ilaah kaliya anuguna waxaan ka bari ahay waxaad la wadaajinaysaan.”
  4. Kuwaan siinnay Kitaabka waxay u yaqaannaan Nabiga [xaqnimadiisa] siday u yaqaanaan carruurtooda, kuwa khasaariyey naftoodana ma rumeeyaan [Xaqa].
  5. Wax ka dulmi badanna ma jirto cid ku abuuray Eebbe been ama beeniyey aayaadkiisa, mana liibaanto daalimiintu.

 

Eebbaa hanta nafci iyo dhibba isagaana wax kasta kara, awooddana leh, maragna isagaa u wayn, Qur’aankuna waa digniinta caalamka, Eebbe mooyee ilaah kalana (xaq lagu caabudo) ma jiro, ehlu-Kitaabkana (Yuhuud iyo Nasaare weeye) way yaqaannaan xaqnimada Qur’aanka iyo Nabiga siday carruurtooda u yaqaanaan, kuwa naftooda khasaariyayse wax ma rumeeyaan, cid ka dulmi badanna ma jirto ruux ku been-abuurtay Eebbe ama beeniyey aayaadkiisa, daalimna ma liibaano, waxaa sugnaatay xadiith ah, “Wax ka gaadhsiiya Eebbe, ruuxii gaadhsiiyey aayad Kitaabka Eebbe ah wuu gaadhsiiyey amarkii Eebbe.” Al-Ancaam (17-21)

 

  1. Ka warran maalintaan kulmineyno [dadka] dhammaan markaas aan ku dhahayno kuwii la wadaajiyey, “Aaway kuwaad la wadaajiseen [Eebbe cibaadada] aadna ahaydeen kuwo sheegan [inay wax tari]?”
  2. Markaas xujadoodii ma ahayn inay dhahaan, “Eebbaan ku dhaarannaye maanaan ahayn mushrikiin [wax la wadaajiya].”
  3. Bal day say ugu been-sheegeen naftooda ugana dhumay waxay been-abuuran jireen.
  4. Waxaa kamid ah kuwo ku dhagaysan waxaana yeellay quluubtooda dabool inay kasaan [Qur’aanka] dhagahoodana waxaan yeellay culays, hadday arkaan aayaad kasta ma rumaynayaan, markay kuu yimaadaanna way kula murmaan iyagoo dhihi kuwii gaaloobay, “Kani [Qur’aanku] ma aha waxaan warkii kuwii hore ahayn.”
  5. Waxayna ka reebi dadka rumaynta Nabiga iyaguna way ka fogaan mana halaagayaan waxaan naftooda ahayn, mase oga.

 

Qiyaamada wuu soo kulmin Eebbe gaalada iyo waxay caabudayeen, wayna inkiraan, waase beenin naftoodu, waxaa kamid ahaa gaaladii kuwo dhagaysan akhriska Qur’aanka lagana yeelay quluubtooda dabool, dhagahoodana culays, aayad kastoy arkaanna ma rumeeyaan, markay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ay u yimaadaanna way la murmaan iyagoo ku sheegi Qur’aanka wararkii hore, dadkana way ka reebi Qur’aanka inay rumeeyaan iyaguna way ka fogaan, waxaan naftooda ahaynna ma halaagaan, mase kasayaan. Al-Ancaam (22-26)

 

  1. Haddaad aragto marka la joojin gaalada Naarta korkeeda oy dhihi, “Shallaytee, maa nala celiyo oo aanaan beenin aayaadka Eebbahanno oo noqonno kuwa rumeeyey.” [Waxaad arki lahayd arrin wayn.]
  2. Waxaase u muuqday waxay qarinayeen horay haddii la celiyana waxay ku noqon lahaayeen wixii laga reebay waana beenaalayaal.
  3. Waxay dhihi, “Wax kale ma jiro ee waannu ku noolaan adduunyada nalamana soo bixinaayo.”
  4. Haddaad aragto marka la hor-joojiyo Eebbahood oo ku dhaho, “Miyuuna kan xaq ahayn?” oy dhahaan waa xaq Eebbaan ku dhaaranaye,” oo uu ku dhaho, “Dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinna darted.” [Waxaad arki arrin wayn.]

 

Eebbe wuxuu ka warrami xaalka gaalada markay joogaan Qiyaamada, taasoo ah inay calaacali oy dooni in dib loo celiyo si ay u rumeeyaan, waxaase dhab ah haddii la celiyana inay beenin lahaayeen waana beenaalayaal, waxayna sheegan inay iska noolaan lana soo bixinaynin, waase la guulguuli Qiyaamada wuxuuna ku dhammaan xaalku in lagu dhoho, “Dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinna darteed.” Maalinta Qiyaame yeyna kale caddaan Xaqa iyo xumaantu waana tay wax walba kala soocmi, labo waddana la kala qaadi Janno iyo Naar. Al-Ancaam (27-30)

 

  1. Waxaa dhab u khasaaray kuwa beeniyey la-kulanka Eebbe markay ugu timaaddo Saacadda [Qiyaame] si kada ahna waxay dhahaan, “Shallaytadanno, waxaan ku gabbood-fallay dhexdeeda,” waxayna ku xambaari dambigooda dhabarkooda waxaana xumaan badan waxay xambaari.
  2. Nolosha adduunyana ma aha waxaan ciyaar iyo madadaalo ahayn, guriga Aakharaana u khayr-roon kuwa dhawrsan ee miyeydaan wax kasayn?
  3. Waxaan ognahay inuu ku walbahaarin waxay sheegi dhab ahaan kuuma beeninayaan laakiin daalimiintu aayaadka Eebbe yey diidi.

 

Eebbeheen wuxuu noo sheegi khasaaraha kuwa beeniya Saacadda Qiyaame intay uga timaaddo kado, oo shalleeytoodaan waxay faleen ee xumaa iyagoo xambaarsan dambigoodii, waxaa sugnaaday in camalka xun uu suuro xun iyo suudh xun ugu imaan saaxiibkiis, uuna dhabarka ka fuuli oo Qiyaamada tagi isagoo xambaarsan. Tan kale nolosha adduun waa ciyaar ee guriga Aakharo yaa u khayr-roon kuwa xumaanta ka dhawrsada. Waxaana jirtay in warka gaaladu walbahaar galin jirtay Rasuulka (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) hase yeeshee dhab ahaan uma beeninayn isaga ee waxay diidayeen uun aayaadka Eebbe iyo Xaqa. Waxaa jirtay inuu Abuu Jahal la kulmay Nabiga maalin uuna gacan-qaaday markaas lagu yidhi, “War ma kaas leexday yaad gacan-qaadi?” markaas uu yidhi, “Eebbaan ku dhaartaye waxaan ogahay inuu Nabi yahay, laakiin goormaan Cabdi Manaaf u noqonnay daba-gal?” Waxaana jirtay inay Abuu Jahal iyo Abuu Sufyaan iyo Akhnas u kala dhuuman jireen dhagaysiga Qur’aanka. Saasaana u aragtaa say u khayaamayeen dadka kale, oo ugu sheegi jireen beenta. Al-Ancaam (31-33)

 

  1. Waxaa dhab loo beeniyey Rasuullo kaa horreeyey waana ku samreen wixii lagu beeniyey waana la dhibay intuu uga yimaado gargaarkannagu wax beddeli hadalka Eebbana ma jiro, waxaana kusoo gaadhay warkii Rasuulladii.
  2. Hadday kugu waynaatay [cuslaatay] jeedsigoodu haddaad karto inaad god ka yeelato dhulka ama sallaan samada ood aayad u keentid [samee] hadduu doono Eebbana wuxuu ku kulmin lahaa hanuunka ee ha kamid noqonin jaahiliinta.
  3. Waxaa uun ajiibi [oggolaan] Xaqa kuwa maqli, kuwa dhintayse waxaa soo bixin Eebbe xaggiisaana loo celin.
  4. Waxay dhaheen, “Maxaa loogu soo dejin waayey [mucjisad] aayad xagga Eebbihiis?” Waxaad dhahdaa, “Eebbe waa karaa inuu soo dejiyo aayad,” badankoodse ma oga.

 

Aayadahan sida aayado kale oo ku badan Qur’aanka waa samirsiin Nabiga iyo calool-adkaysiin, wuxuuna Eebbe u yaboohay gargaar, saas darteed waa inuu Nabigu iska fududeeyo xaalkooda, illeen dhulka intuu godad ka jeexdo ama cirka sallaan ugu koro uma keeni karo aayade, awooddana Eebbaa iska leh, “Hadduu doonana wuxuu dadka ku kulmin hanuunka ee ha kamid noqonin kuwaan wax ogayn,” yuu Eebbe ku yidhi, Xaqana waxaa maqla kuwa qalbigoodu nool yahay, gaalo qalbiga ka dhimatayse wax ma maqlaan, waxaase loo soo kulmin Qiyaamaha, waxayna codsan jireen in aayad loo soo dejiyo, Eebbana wuu karaa soo-dejinteeda badankoodse wax ma oga. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Wuxuu jeclaa Nabigu in dadka dhammaan Xaqa rumeeyaan, Eebbaase u warramay inuu rumeyn uun ruuxuu Eebbe doono oo toosiyo.” Al-Ancaam (34-37)

 

  1. Wax ku socda dhulka ama shimbir ku duuli garbihiisa oo dhan waa ummado idin lamid ah, waxba kagama aanan tagin Kitaabka, waxaana loo soo kulmin dadka xagga Eebbahood.
  2. Kuwa beeniyey aayadkannaga waa dhaga-la‘ yihiin oo af-la‘ yihiin mugdi bayna ku sugan yihiin, cidduu doono wuu dhumiyaa Eebbe tuu doonana wuxuu yeelaa jid toosan.
  3. Waxaad dhahdaa, “Bal ka warrama hadduu idiin yimaado cadaabka Eebbe ama idiin timaaddo Saacaddu [Qiyaame] wax Eebbe kasoo hadhay miyaad baryeysaan haddaad run sheegaysaan?”
  4. “Isaga un baana baryeysaan oo faydi waxaad ka baryeysaan hadduu doono waadna halmaamaysaan waxaad la wadaajinaysaan.”

 

Abuurka Eebbe waa badan yahay, Kitaabkiisana wax kasta oo wax anfaca wuu ku sheegay, cid walbana waa la horkeeni Eebbe, waxaana sugnaaday in lasoo kulmin xayawaanka oo loo qisaasi midda geeska leh tii seenyada ahayd oy hardiday, gaalada Xaqa diiddanna waa wax dhago-la‘ oo af-la‘ oo mugdi ku jira, cidduu doonana Eebbe wuu hanuunin, tuu doonana wuu dhumin. Marka gaalada cadaaabka Eebbe u yimaaddo ama Qiyaamadu waxaan isaga ahayn ma baryaan, isaga un baana fayda dhibka hadduu doono, waana la halmaami waxa kasoo hadhay oo adduunka lagu caabudi jiray waxna laga dayi jiray, saasayna waajib u tahay in Eebbe uun la caabudo, sharcigiisana la raaco oo lagu dhaqmo si dhab ah, illeen isagaa jidkii liibaanta iyo guusha ahe, waxa ka soo hadhayna waa khasaare. Al-Ancaam (38-41)

 

  1. Waxaan u dirray [Rasuul] ummado idin ka horreeyey waxaana ku qabannay dhibaato iyo cudur intay baryaan [Eebbe].
  2. Maa markuu u yimaaddo dhib- ku ay baryaan [Eebbe] waxaase ingagtay quluubtoodii wuxuuna u qurxiyey Shaydaan waxay falayeen.
  3. Markay halmaameen [ka jeedsadeen] wixii lagu waaniyey yaan u furray korkooda irridaha wax kasta markay ku farxaan waxaa la siiyey yaan ku qabannaa kado, markaasay ahaadaan kuwo quusta.
  4. Waxaana la gooyey cidhibta qawmkii dulmiga falay mahadna Eebbaa iska leh ah Eebbaha caalamka.

 

Ilaahay ummado badan oo hore yuu Nabiyo u diray, kuna qaban jiray dhibaato iyo cudur, si ay Eebbe u xusuustaan, waxaase ingagay qalbigoodii oo Shaydaan baa wax u qurxiyey, markay Xaqii ka jeedsadeenna waxaa loo furay wax kasta [oo shuqliya] markay ku farxaanna waxa la siiyey waxaan ku qabannaa kado markaasay quustaan, waxaana la cidhibtiray gaaladii mahadna Eebbaa iska leh, waxaana habboon in marka Eebbe wax ku siiyo aad ku aqoonsatid oo ku mahadisid ee ma habboona inaad ku kibirtid ood la boodboodid. Xasan al-Basri wuxuu yidhi, “Ciddii Eebbe u waasiciyo rizqiga oon ogaan in la magri, oo la sasabi waa midaan wax garad ahayn.” Qataadana wuxuu yidhi, “Waxaa la halaagaa dadka markay kibraan oy shuqliso nicmadu oy ku sirmaan Eebbe iyo nicmadiisa waxaana saas noqda cid Xaqa ka leexatay. Al-Ancaam (42-45)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Bal warrama hadduu Eebbe qabto maqalkiinna iyo araggiinna oo daboolo quluubtiinna waa Ilaahee kasoo hadhay Eebbe ee idiin keeni?” Day sidan u celcelinno aayaadka markaa say u jeedsan.
  2. Waxaad dhahdaa, “Bal warrama hadduu idiinku yimaado cadaabka Eebbe kado ama caddaan miyaa la halaagaa waxaan qawmka daalimiinta ahayn?”
  3. Rasuullada waxaan u dirraa inay bishaareeyaan oo digaan, ciddii rumaysa Xaqa oo wanaajiya [camalka] cabsi iyo murug midna ma saarro.
  4. Kuwa beeniyey aayaadkannaga waxaa taaban cadaab faasiqnimadooda darteed.

 

Hadduu Eebbe ka qaado ruuxa nicmada, maqalka ama aragga ama qalbiga daboolo cid aan Eebbe ahayn oo u keeni karta ma jirto Eebbana Xaquu soo celceliyaa si loogu waano qaato, gaaladuse way ka jeedsan Xaqa, wax cadaabka Eebbe celin karana ma jiro ama kado haku yimaado ama si caddaanaba, daalimiinta un baana la halaagi, Rasuuladuna waa bishaareeyayaal diga, ciddii Xaqa rumaysa oo camalka wanaajisana cabsi iyo murug midna ma aragto, kuwa beeniya aayaadka Eebbana waxaa taaban cadaab faasiqnimadooda darteed, ujeeddaduna waxaa weeye in Eebbe cid la wadaagta awoodda ayna jirin, Xaqana uu caddeeyey, Nabiyana diray, Xaq-beeniyana uu halaagi. Al-Ancaam (46-49)

 

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Ma dhahayo waxaa agtayda ah khaznadaha Eebbe, waxa maqanna ma ogi, mana dhahayo waxaan ahay malag, waxaan uun raaci wixii lay waxyoodo.” Waxaad dhahdaa, “Ma egyihiin indhoole iyo arke? Miyeydaan fikirayn?”
  2. Ugu dig Qur’aanka kuwa ka cabsan in loo soo kulmiyo Eebbahood iyagoon lahayn sokaydiis qaraabo iyo shafeece midna inay dhawrsadaan darteed.
  3. Hana eryin kuwa baryi Eebbahood aroor iyo galabba iyagoo dooni wajigiisa waxba kaama saarra xisaabtooda iyana xisaabtaada waxba kama saarra ood eridid ood kamid noqotid daalimiinta.

 

Wuxuu Eebbe faray Nabiga inuu u sheego dadka inuusan hananin khaznadda Eebbe, waxa maqanna ogayn, malagna ahayn, ee uu raaci uun Xaqa loo waxyooday, mana sinna indhoole iyo wax arke, waana in wax la fiiriyo si Xaqa loo rumeeyo, Qur’aanka yuuna Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ugu digi jiray dadka ka cabsan in Eebbe loo soo kulmiyo iyagoon helayn gargaare iyo shafeece kasoo hadhay inay dhawrsadaan, wuxuuna Eebbe ka reebay Nabiga inuu eryo kuwa Eebbe caabudi had iyo jeer iyagoo dooni wajigiisa, illeen xisaabtooda ma saarra korkiisee, xisaabtiisana ma saarra korkoodee, hadduu fogeeyana uu noqon mid Xaqa ka leexday, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) waa ka fog yahay inuu fogeeyo kuwa Xaqa rumeeyey ee waxaa lagu quusin gaalada doonaysa inay isku dayaan inay kala fogeeyaan Nabiga iyo mu‘miniinta, aayaduna waxay soo degtay mar Nabiga ay la joogeen Suhayl, Bilaal iyo Cammaar oo gaaladii Qureysheed ku dhaheen Nabiga, “Ma kuwanaa Eebbe naga doortay? Iska eri aan ku raacnee.” Al-Ancaam (50-52)

 

  1. Saasaaan isugu imtixaanay [dadka] qaarkood qaarka kale inay dhahaan, “Ma kuwanaa Eebbe ku mannaystay [Islaamka] dhexdannada? Miyuusan Eebbe ahayn kan og kuwa ku mahdiya?”
  2. Markay kuu yimaadaan kuwa rumeeyey aayaadkannaga waxaad dhahdaa, “Nabadgalyo korkiinna ha ahaato, wuxuu Eebbe isa saaray naxariis, oo ah ciddii idin kamid ah oo fasha xumaan isagoo ka jaahil ah oo tawbad keena oo wanaajiya Eebbaa u dhaafi una naxariisan.”
  3. Saasaanu u kala bixinnaa aayaadka si ay u caddaato jidka dambiilayaasha.

 

Adduunku waa guri imtixaan, dadkana waa laysku imtixaanay, siday gaaladii Qureysheed u xaqiri jireen, ma kuwanaa Eebbe naga doortay oo hanuuniyey, Eebbaase og cidda ku mahdisa, wuxuuna Eebbe faray Nabiga in hadday u yimaadaan kuwa Xaqa rumeeyey uu salaamo, soona dhaweeyo, wuxuuna u yaboohay ciddii gafta isagoon ogayn oo haddana tawbad keenta wanaaggana fasha in Eebbe u naxariisan una dambi-dhaafi, Eebbana Xaqa wuu qeexay si ay u caddaato jidka dambiilayaashu, gaalada iyo kuwaan wax kasayn had iyo jeer waxay qiimo dheeraada siiyaan xoolaha, madaxtinnimada iyo carruurta, iyagoo qiyaasi in cidda wax haysata ay mudan tahay hanuunka, taasina waa fikrad xun oo khaldan, cidda xoolaha haysata kama sarreyso kan saboolka ah, waxaase lagu kala sarreeyaa akhlaaqda, wanaag-falka, Eebbe ka-yaabidda iyo raacidda Xaqa. Al-Ancaam (53-55)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Waxaa layga reebay inaan caabudo waxaad caabudaysaan oo Eebbe kasoo hadhay.” Waxaad dhahdaa, “Raaci maayo hawadiinna oon dhumo markaas noqoninna kuwaan hanuunsanayn.”
  2. Waxaad dhahdaa, “Waxaan ku sugnahay xujo Eebbahay waadna beeniseen Xaqaas, agtayda ma aha waxaad dadajisanaysaan, xukunkana Eebbaa iska leh, Xaquuna xukumi, waana kuu xukunkiisu khayr leeyahay.”
  3. Waxaad dhahdaa, “Hadduu yahay agtayda waxaad dedejisanaysaan [ciqaabta], waxaa la kala xukumi lahaa dhexdeenna Eebbana waa ogyahay daalimiinta.”
  4. Eebbe agtiisa waxaa ah furaha waxa maqan wax og oon isaga ahayna ma jiro, wuxuuna ogyahay waxa barriga iyo badda ku sugan, wixii caleena oo dhacdana wuu ogyahay, xabbad masagga ah oo mugdiga dhulka ku sugan iyo wixii qoyan ama ingagan waxay ku sugan yihiin Kitaab cad.

 

Eebbaa mudan cibaadada, gaalada hawadeeda ciddii raacdana way dhumi, Nabiguna wuxuu ku sugan yahay xujo cad oo Eebbe, gaaladuna way beeniyeen Xaqii, Nabigana waxaa saaran gaadhsiin, Eebbaana Xaqa kala xukuma, ciqaabna waxaa hanta Eebbe, isagaana og daalimiinta, isagaana og waxa ku maqan barri iyo badba. Ai-Ancaam (56-59)

 

  1. Eebbe waa kan idin oofsada habeenkii ogna waxaad fashaan maalintii markaasna idin soo bixiya in la xukumo ajal magacaaban xaggiisaana laydiin celin, markaasuu idiinka warrami waxaad falaysaan.
  2. Eebbe waa kan ka sarreeya addoomadiisa, wuxuuna idiin soo diraa ilaaliye, markuu u yimaado midkiin mawdku waxaa oofsata [disha] malaa‘igtannada mana gabood-falaan.
  3. Markaasaa loo celin dadka xagga Sayidkooda Xaqa ah isagaana leh xukunka dedejiyana xisaabta.

 

Eebbe waa kan dadka oofsada habeenkii markay hurdaan, ogna waxay fali maalintii, muddo magacaabanna sameeyey, xaggiisaana loo noqon, ugana warrami waxay faleen, waana kan wax walba u khushuuco oo ka sarreeya, malaa‘ig nafta qaadana usoo dira dadka oon gabood-falayn, dadkuna xaggiisa u noqon, Sayid Xaq ahna ah, xukunkana iska leh, xisaabtiisuna degdegayso. Waxaa sugnaatay in marka la dhiman malaa‘igtu u bishaarayn nafta fiican, canaananna midda xun, saas darteed waa in loo darbado, Eebbana la warsado Xaq-ku-sugnaan iyo wanaag. Al-Ancaam (60-62)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Yaa idinka koriya mugdiga barriga iyo badda ood u baridaan is-dullayn iyo qarsoodi, idinkoo dhihi, ‘Hadduu naga koriyo tan waxaan kamid noqonaynaa kuwa mahadiya’?”
  2. Waxaad dhahdaa, “Eebbaa idinka koriya taas iyo shiddo kasta, markaasaad u shariik yeeshaan.”
  3. Waxaad dhahdaa, “Eebbe waa kan kara inuu idinku soo daayo cadaab korkiinna ama lugihiinna hoostooda ama idin qaso [idinka yeelo] kooxo uu dhadhansiiyo qaarkood qaarka kale dhibkiisa, bal day sidaan ugu caddaynaynno aayaadka inay kasaan.”

 

Eebbaa dadka ka koriya mugdiga barriga iyo baddaba, oyna baryaan dadku inuu ka koriyo dhibka, isagaana ka koriya dadka shiddo oo dhan, haddana ay u shariik yeeli, karana inuu cadaab korka ama hoosta kaga soo daayo, ama kooxo is-laaya ka yeelo, Xaqana caddeeya si wax loo fahmo, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaan warsaday Eebbahay saddex: waxaan warsaday inuusan ummaddayda ku halaagin maanshayn, wuuna i siiyey, waxaana warsaday inuusan ummaddayda ku halaagin abaar, wuuna i siiyey, waxaana warsaday inuusan dhexdooda yeelin dagaal wuuna ii diiday.” Waxaa wariyey Muslim. Al-Ancaam (63-65)

 

  1. Waxaa beeniyey [Qur’aanka] qawmkaagii isagoo xaq ah, waxaad dhahdaa, “Kama ahi korkiinna wakiil [ilaaliye].”
  2. War kasta meel uu ku sugnaado yuu leeyahay waadna ogaan doontaan.
  3. Markaad aragtaan kuwa dhumban aayaadkannaga, isaga jeedso intay ka dhumbadaan sheeko kale, haddduu ku halmaansiiyo Shaydaanna ha fadhiyin xusuusta kadib daalimiinta agtooda.
  4. Kuwa dhawrsoonna xisaabtooda waxba kaama saarra laakiin waa waano inay dhawrsadaan.

 

Qur’aanka waxaa beeniyey gaaladii Makkaad isagoo xaq ah, Nabiguse ilaaliye qasbi ma ahayn, illeen wax kastaba waqti buu leeyahay la ogaan doone, waa in marka lala kulmo cid wax ka sheegi Qur’aanka iyo Xaqa aan lala fadhiisan intay iska dayso xaalkaas, hadduu Shaydaan ku halmaansiiyana waa inaan lala sii fadhiyin daalimiinta, ciddii dhuntana xil kaama saarra cidda dhawrsoon, waxaase laga rabaa waano iyo wax u-sheegid uun. Aayaduhuna waxay caddayn in Xaqu muuqdo, ciddii diidda oo ceebbeyn Xaqana aan lala fadhiisan ee laga fogaado, wax dhib ahna kaama saarra ciddii diidda Xaqa, haddaad dhawrsato ood Eebbe ka yaabtid. Al-Ancaam (66-69)

 

  1. Iskaga tag kuwa ka yeeshay diintooda ciyaar iyo madaddaalo kuna kadsoomay nolosha dhaw xusuusina intaan laga abaal-marinin [loo xabisin] nafi waxay kasbatay iyadoon lahayn Eebbe ka sokow wali [sokeeye] iyo shafeece midna, hadday isku furato furasho oo dhanna lagama qaado, kuwaasu waa kuwa loo dhiibay [halaag] waxay kasbadeen dartiis, waxayna mudan cabbid kulul iyo cadaab daran, gaalnimadooda darteed.
  2. Waxaad dhahdaa, “Ma waxaan caabudaynaa Eebbe ka sokow waxaan na anfacayn nana dhibayn oo dib naloo celin [gaalnimo] inta Eebbe hanuuniyey kadib?” Sida kan ay ku wareerisay [dhumisay] Shayaadiintu dhulka isagoo saaxiibbo ugu yeedhi hanuunka oo ku leh “Noo kaalay,” waxaad dhahdaa, hanuunka Eebbe un baa hanuun ah, waxaana nala faray inaan u hoggaansanno Eebbaha caalamka.”

 

Ciddii Xaqa ka jeedsata oo diintiisa ka yeesha ciyaar oo adduunyada khaladdo waa in layskaga tago, oon lagu waqti-seegin, mar haddii loo caddeeyey Xaqa iyo in naf walba loo xidhi camalkeeda iyadoon sokeeye iyo shafeece helayn, wax kastooy kasbatay, wax is-furasha ahna aan laga aqbalayn, waana kuwa loo ciqaabi camalkoodii xumaa dartiis, mudanna cabbid kulul iyo cadaab daran, gaalnimadoodii xumaa dartiis, saas darteed waa in Eebbe kaliya la caabudo, lagana leexdo waddada Shaydaanka dadka baadiyeeya, oo hanuunka ka leexiya. Al-Ancaam (70-71)

 

  1. Oogana salaadda kana dhawrsada Eebbe waa kan xaggiisa laydiin soo kulmine.
  2. Waana kan Eebbe u abuuray samooyinka iyo dhulka xaq maalinta uu dhihi “Ahow!” wuu ahaan [waxaasu] hadalkiisu waa xaq, wuxuuna leeyahay xukunka maalinta la afuufi suurka, waana ogyahay wax maqan [la arkayn] iyo waxa joogaba, waana falsame xeel dheer.

 

Waxaa la faray inay hoggaansamaan oogaanna salaadda, kana dhawrsadaan Eebbe, illeen isagaa xaggiisa loo kulmine, Eebbana waa kan samooyinka iyo dhulka xaq u abuuray, wuxuu amraana isla markaasba ahaan, hadalkiisuna Xaq yahay, xukunkana iska leeyahay maalinta suurka Qiyaame la afuufi, ogyahayna wax kasta, faina san yahay ogaanshihiisuna xeel dheer yahay. Saas darteed waa in loo darbadaa maalintaas wayn ee lays abaal marin, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Israafiil wuxuu afka saaray suurka wajigiisana wuu leexiyey isagoo sugi marka la fari inuu afuufo.” Waxaa wariyey Imaam Muslim. Al-Ancaam (72-73)

 

  1. Ka warran markuu ku yidhi [Nabi] Ibraahiim aabbihiis Aazara, “Ma waxaad ka yeelan sanamyo ilaahyo? Waxaan kugu arkaa adiga iyo qawmkaagaba baadi cad.”
  2. Saasaan u tusinnay Ibraahiim xukunka samooyinka iyo dhulka inuu kamid noqdo kuwa yaqiiniya [Xaqa].
  3. Markuu ku madoobaaday habeenku wuxuu arkay xiddig wuxuuna yidhi, “Kani ma eebbahay baa?” Markuu dhacay wuxuu yidhi, “Ma jecli kuwa dhaca.”
  4. Markuu arkay dayaxa oo soo muuqda wuxuu yidhi, “Kani ma eebbahay baa?” Markuu dhacay wuxuu yidhi, “Hadduusan i hanuunin Eebbahay waxaan kamid noqon kuwa dhuma.”
  5. Markuu arkay qorraxda oo soo muuqata wuxuu yidhi, “Kani ma eebbahay baa kanaa wayne?” Markay dhacday wuxuu yidhi, “Qawmkayow, bari baan ka ahay waxaad la wadaajinaysaan [Eebbe].”
  6. “Anugu waxaan u jeediyey wajigayga Eebbaha abuuray samooyinka iyo dhulka anoo toosan oon ka mid ahayn gaalada.”

 

Nabi Ibraahiim wuxuu u digay aabbihiis iyo qawmkiisiiba, wuxuuna ka reebay inay caabudaan sanamyo, illeen Eebbaa Nabi Ibraahiim tusiyey aayaadkiisa inuu kamid noqdo kuwa Xaqa yaqiinsan, wuxuuna qawmkiisii u sheegay in xiddigaha, dayaxa iyo qorraxdaba ayan mudnayn in la caabudo, ee caabudidda xaqa ah Eebbe kali ah mudan yahay, wuxuuna u caddeeyey qawmkaas inuu bari ka yahay waxay caabudi oo Eebbe kasoo hadhay, uuna u jeedsaday xagga Eebbaha xaqa ah, ee abuuray cirka iyo dhulka, taasina waxay ina tusin ku-sugnaanta Xaqa iyo in qaraabanimadu tahay Islaamnimada iyo Diinta, waxa kasoo hadhay uusan wax ahayn. Nabi Ibraahiimna wuxuu uga dan lahaa xiddigaha, dayaxa iyo qorraxda inuu tusiyo gaalada in waxay caabudi uusan wax ka jirin, maxaa yeelay waa wax doorsoomi oo dhici oo soo bixi, mase ahayn Nabi Ibraahiim mid wax shakiyey. Al-Ancaam (74-79)

 

  1. Way la doodeen Nabi Ibraahiim qawmkiisii, wuxuuna yidhi, “Ma waxaad igula doodaysaan Eebbe? Isagoo i hanuuniyey, oonan ka cabsanayn waxaad la wadaajinaysaan, in Eebbahay wax doono mooyee, Eebbahay waa u waasac [awood leeyahay] wax kasto ogaansho, miyeydaan xusuusanayn [wax]?”
  2. “Sideen uga cabsan waxaad la wadaajiseen, idinkuna aydaan ka cabsanayn inaad la wadaajiseen Eebbe wuxuusan usoo dejinin xujo, ee labada kooxood [Muslimka iyo gaalada] koodee mudan nabad-galyo haddaad wax ogtihiin?”
  3. Kuwa Xaqa rumeeyey oon ku dheehin iimaankooda dulmi [gaalnimo] kuwaasaa nabad-galyo u sugnaatay hanuunsanna.
  4. Taasina waa xujadannadii aan u siinnay Ibraahiim qawmkiisa, waxaan kor-yeellaa darajaadka ciddaan doonno Eebbahaana waa falsame oge ah.

 

Aayadahan wuxuu Eebbe ku sheegay inay ku doodeen Nabi Ibraahiim iyo qawmkiisii xaalka Eebbe, una caddeeyey in Eebbe hanuuniyey uuna ka cabsanayn waxay la wadaajiyeen Eebbe, Ilaahayna ogyahay wax walba, wuxuuna ku yidhi, “Sideen uga cabsan waxaad la wadaajiseen Eebbe idinkuna aydaan ka cabsanayn inaad Eebbe la wadaajiseen wuxuusan xujo idiinku soo dejinin, yaase mudan nabadgalyo labadeenna qolo haddaad wax garanaysaan?” Waxaa mudan nabadgalyo oo hanuunsan kuwa rumeeyey Xaqa oon ku dheehin iimaankooda gaalnimo, waana taas xujaduu Eebbe siiyey Nabi Ibraahiim, wuxuuna kor-yeelan darajaadka cidduu doono waana falsame oge ah, taasina waxay tusin in cidda Xaqa ku socota mudan yahay nabadgalyo iyo hanuun iyo inuusan ka cabsan waxay ku cabsi-galin. Al-Ancaam (80-83)

 

  1. Waxaan siinnay Isxaaq iyo Yacquub dhammaana waan hanuuninay, [Nabi] Nuuxna waan hanuuninay waqti hore, waxaana kamid ah faraciisii [Nabi] Daawuud, Sulaymaan, Ayuub, Yuusuf, Muuse iyo Haaruun, saasaana ku abaal-marinnaa samo-falayaasha.
  2. Iyo Zakariye, Yaxye, Ciise, Ilyaas, dhammaanna waxay ahaayeen kuwo suubban.
  3. Iyo Ismaaciil, Alyasac, Yuunus, iyo Luud, dhammaanna waxaan ka fadilnay caalamka.
  4. Iyo aabbayaalkood iyo faracoodii iyo walaalahood waana doorannay waana ku hanuuninay Jidka Toosan.
  5. Kaasi waa hanuunkii Eebbe wuxuuna ku hanuuniyaa cidduu doono oo kamid ah addoomadiisa, hadday Eebbana wax la wadaajiyaan waxaa ka buri waxay fali jireen.
  6. Kuwaasu waa kuwaan siinnay Kitaabka, xukunka iyo Nabinimada, hadday ka gaaloobaanna kuwaasu [gaalada Makkaad] waxaan u wakaalannay qawm aan ka gaaloobayn [Muslimiinta].
  7. Kuwaas [Nabiyada] weeye kuwa Eebbe hanuuniyey ee hanuunkooda ku dayo, waxaadna dhahdaa “Idin ma warsanaayo ujuuro, ee waa uun waanada caalamka.”

 

Halkan wuxuu Eebbe ku sheegi nicmaduu siiyey Nabiyada gaar ahaan inuu siiyey Nabi Ibraahiim ilmo isagoo wayn, Jidka Toosanna ku hanuuniyey dhammaan Nabiyada doortayna Eebbe, Eebbana uga digay inay ka leexdaan Jidka Toosan haddii kale waxaa buri camalkoodii, waxaana Eebbe siiyey Kutubo, xukun iyo Nabinimo. Hadday gaaladu Xaqa diidaanna wuxuu Eebbe leeyahay dad aan marna ka gaaloobaynin, waana kuwaa Nabiyaduu Eebbe hanuuniyey ee ha lagu daydo marba hadduu Eebbe faray arrintaas, wax ujuuro ahna Nabigu kama warsanayo Xaqa gaadhsiintiisa, ee waa uun waanada caalamka. Al-Ancaam (84-90)

 

  1. Mayna waynaynin Eebbe waynaantiisa xaqa ah markay dheheen, “Kuma soo dejin Eebbe dad waxba.” Waxaad dhahdaa, “Yaa soo dejiyey Kitaabkii uu la yimid [Nabi] Muuse isagoo iftiin hanuunna u ah dadka, ood yeelayseen warqado aad muujisaan, oodna qarisaan wax badan, waxaana laydin baray waxaydaan aqoonin idinka iyo aabbayaalkiin?” Waxaad dhahdaa, “Eebbaa [soo dejiyey],” markaas isaga tag dhumbashadooda iyagoo ciyaari.
  2. Kanna waa Kitaab aan soo dejinnay oo barakaysan, oo rumayn wixii ka horreeyey iyo inaad ugu digtid Makka iyo dhinacyadeeda, kuwa rumayn Aakhiro waxay rumeyn Qur’aanka salaaddana way ilaalin.

 

Aayaddaan hore wuxuu Eebbe ku sheegi inayan gaaladu qaddarinin Eebbe mudnaantiisa, markay dheheen, “Wax Kitaab ah Eebbe kumasoo dejinin cidna,” waxaase la waydiiyey, “Yaa soo dejiyey Tawreedkii Nabi Muuse? oy Yuhuuddu qiraysay oy qaarna muujinayeen qaarna qarinayeen, lana baray waxayna aqoon iyaga iyo aabbayaalkood. Kuwaas waa in warkooda layska dhaafo ha dabbaasheen xumaane. Kitaabka Qur’aanka ahna waa Kitaab barakaysan, oo rumayn Xaqii ka horreeyey si loogu digo dadka, kuwa rumeeyey Aakhirana way rumeen Qur’aankooda, salaaddana way ilaalin. Nabigana waxaa loo diray dadkoo dhan, Qur’aankuna waa digniinta caalamka oo dhan. Siduu Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Waxaa la ii soo bixiyey dadka dhammaantiis.” Taasina waxay ku waajibin dadkoo dhan inay rumeeyaan oo raacaan kuna dhaqmaan Qur’aanka iyo Sunnada Nabiga. Al-Ancaam (91-92)

 

  1. Yaa ka dambi badan cid ku been-abuuratay Eebbe ama yidhi waa lay waxyooday isagoon loo waxyoonin waxba, iyo ciddii dhahda waxaan soo dejin waxa Eebbe soo dejiyey oo kale? Haddaad aragto markay daalimiintu sakaraadka geerida ku sugan yihiin malaa‘igtuna ku dhihi iyagoo ku taagi gacmaha, “Bixiya naftiinna, maanta waxaa laydinku abaal-marin cadaab dulli ah waxaad ku dhahayseen Eebbe xaq-darro ood ahaydeen kuwo iska-wayneeya aayaadkiisa.” [Waxaad arki lahayd wax wayn.]
  2. Waxaad noogu timaaddeen kali kali sidaan idiinku abuurnay markii hore, waxaadna kaga timaaddeen waxaan idinku nicmaynay gadaashiinna, mana ku aragno agtiinna shafeecayaalkiinnii aad sheegayseen inay shurako yihiin, waxaana go‘ay xidhiidhkiinnii waxaana dhumay waxaad sheeganeyseen.

 

Cid ka dulmi badan ma jirto ruux ku been-abuurtay Eebbe ama sheegatay in loo waxyooday isagoon waxba loo waxyoonin, ama sheegatay inuu soo dejin waxa Eebbe soo dejiyey oo kale, waxayse dhabta ogaan marka sakaraadka geeridu u timaaddo, oo malaa‘igtu garaacdo iyadoo canaanan, cadaabna ugu bishaarayn xaq-darraday ku hadli jireen iyo isla-waynidoodii darteed, cid kastoo is qaadqaaddana waxay uun Eebbe u imaan iyadoo kali ah, sidii markii hore lagu abuuray, wax xoolo ahna ayan wadanin, wax u shafeecana uusan jirin, uuna go‘ay xidhiidhkii iyaga iyo waxay caabudi jireen Eebbe ka sokow. Al-Ancaam (93-94)

 

  1. Eebbaa jeexa xabbadda midhaha ah, iyo timirta, wuxuuna kasoo bixiyaa wax nool wax dhimaad ah, kanasoo bixiyaa wax dhimaad ah wax nool, kaasi waa Eebbe ee xaggee laydiinka iili [Xaqa]?
  2. Eebbe waa kan abuuray iftiinka kana yeelay habeenka xasil, qorraxda iyo dayaxana xisaab, taasina waa maamulka Eebbe adkaada ee og.
  3. Eebbe waa kan idiin yeelay xiddigo inaad ku toostaan mugdiga barriga iyo badda, waxaan u caddaynay aayaadka ciddii garan.

 

Eebbaa wax walba ahaysiiyey, awooddiisaana wax walba ku jiraan, midhaha soo bixintooda, abuuridda waxa nool, iftiinka, waxaasoo dhan waxay ku jiraan awooddiisa, habeenkana wuxuu Eebbe ka yeelay xasil, qorraxda iyo dayaxana xisaab. Waxaa Ibnu Abii Xaatim wariyey in Suhayl ay ku canaanatay haweenaydiisu soo-jeedid badani habeenkii, uuna markaas ku yidhi, “Eebbe habeenka xasilooni yuu ka yeelay marka Suhayl laga reebo, oo marka Janno la sheega bato jacaylkiisu, marka Naar la sheegana ay duusho hurdadiisu.” Al-Ancaam (95-97)

 

  1. Eebbe waa kan idinka abuuray naf kaliya [Nabi Aadam] idiinna yeelay sugnaansho iyo hoyosho, waan u caddaynay aayaadka ciddii wax kasi.
  2. Eebbe waa kan kasoo dejiya samada biyo kuna soo bixinno doog cagaaran oon kasoo saarro midho kala koreeya, timirtana fiiddeeda waxaa ah laamo dhow, beerana [waan kusoo bixinnaa] oo ah cinab, zaytuun iyo rummaan, [qaar] isu-eg iyo qaar aan isu-ekayn, daya midhihiisa markuu midho-dhalo iyo bisaylkiisa taasina calaamaa ugu sugan ciddii wax rumayn.
  3. Waxay u yeeleen gaaladu Eebbe shurako jinni ah isagoo abuuray waxay ku sheegeen [been] Eebbe wiilal iyo gabdho iyagoon wax ogayn, waa ka nazahan yahay Eebbe waana ka sarreeyaa waxay ku sheegi.

 

Eebbe waa kan ka abuuray dadka Aadam, kuna sugay uurka hooyo iyo jidhka ragga, kuna sugay adduunka una celin Aakhiro, aayaadkana u caddeeyey ciddii wax kasi, cirkana roob ka keenay kuna soo bixiya khayraad badan oo lagu nafciyo, oo ciddii Xaqa rumayn ay ku waano-qaadato, Eebbahaas yey gaaladu u yeeleen kuwo la wadaaga cibaadada oo jinni ah, isagoo abuuray, waxayna ku sheegeen carruur lyagoo jaahiliin ka ah, Eebbana waa ka dheer yahay waxay ku sheegi, waxaana halkan ka muuqda waynida awoodda Eebbe, naxariistiisa, caqli-xumada gaalada iyo xaq-diidnimadooda. Al-Ancaam (98-100)

 

  1. Eebbe waa kan abuuray samooyinka iyo dhulka. Sideese ilmo ugu ahaan isagoon haweenay lahayn? Wax walbana [Eebbaa] abuuray [Isagaana] wax kasta og.
  2. Kaasi waa Eebbihiin isaga mooyee ilaah kale [xaq lagu caabudo] ma jiro, wax kastana isagaa abuuray ee caabuda, wax walbana isagaa u wakiil ah [ilaaliya].
  3. Ma haleesho aragti isagaase haleela aragtida [wuu arkaa Eebbe lamase arko adduunka], waana wax oge xeel dheer.
  4. Waxaa idiin yimid [idin soo gaadhay] xujooyin Eebbihiin ka yimid ciddii aragta [ku hanuunta] naftiisa un buu wax u taray ciddii ka indho-beeshana naftiisuu dhibay, anna ma ihi mid idin ilaalin.
  5. Saasaannu u gadgadinnaa [caddaynaa] aayaadka inay dhahaan, “Waad akhrisatay,” iyo inaan u caddayno ciddii wax garan.

 

Eebbaa wax walba ahaysiiyey: cir, dhul iyo wax kastaba; umana baahna carruur iyo haweeney illeen isagaa wax walba abuuraye, wax kastana oge, tilmaantaas waxaa mudan Eebbe isaga mooyee Ilaah kalana (xaq lagu caabudo) ma jiro, ee hala caabudo, waana ilaaliyaha wax kasta, lamana arko adduunka illeen lama awoodee, isaguse wuu arkaa waana wax walba oge, dadkana waxaa xagga Eebbe kasoo gaadhay Xaq ciddii ku waano-qaadata waa isaga, tii ka indho-beeshana waa iyada, Nabiguna ilaaliye uma aha, waana loo caddeeyey Xaqa, waxaase jira kuwo ku sheegi Nabiga inuu akhristay Qur’aanka waase kuwa aan wax ogayn. Al-Ancaam (101-105)

 

  1. Raac Nabiyow waxa lagaaga waxyooday xagga Eebbehaa, Ilaahay mooyee Eebbe kalana ma jiro kana jeedso mushrikiinta.
  2. Hadduu doono Eebbe mayna la wadaajiyeen kaagamana aanaan yeelin ilaaliye wakiilna kama tihid.
  3. Ha caayina waxay caabudi oo Eebbe kasoo hadhay oo markaas iyana caayaan Eebbe colnimo iyo cilmi-la’aan, saasaan ugu qurxinay ummad kasto camalkeeda xagga Eebbe un bayna noqoshadoodu tahay, wuxuuna uga warrami waxay fali jireen.

 

Eebbe wuxuu u dardaarmay Rasuulkiisa inuu raaco waxa Eebbe u waxyooday, illeen Eebbe mooyee ilaah kale (xaq lagu caabudo) ma jiree, iyo inuu isaga jeedsado gaalada, wax walbana awoodda Eebbe un buu ku jiraa, Nabiguna ilaaliyaha dadka ma aha. Tan kale waa inaan la caayin waxay caabudi oo markaas iyana Eebbe u caayin colnimo iyo jaahilnimo, illeen ummad kastaa waxaa loo qurxiyey camalkoodee, waxaana loo celin xagga Eebbahood wuxuuuna uga warrami waxay camal-falayeen, waxaa jirtay gaaladii Qureysh oy Abii Daalib u tageen oo ku dhaheen, “Hanaloo daayo ilaahyadannada, anaguna aan u daynno Ilaahiisa, haddii kale waxaan caayaynaa Ilaahay.” Markaasay soo degtay aayaddu, taasina waxay ku tusin in si miyir iyo cay-la’aan Eebbe loogu yeedho dadka, ee canaan, cay iyo hadal adag wax tarayn. Al-Ancaam (106-108)

 

  1. Waxay ku dhaarteen gaaladii dhaar adag, hadday soo gaadho aayadi inay rumaynayaan, waxaad dhahdaa, “Aayaadku waxay jiraan Eebbe agtiisa,” miyeyse ogyihiin hadday aayaddu soo gaadho inayna rumaynayn.
  2. Waxaannu gaddin quluubtooda iyo araggooda sidayna u rumayn, markii horaba waxaana ku daynaynaa iyagoo ku wareersan xad-gudubkooda.
  3. Haddaan kusoo dejinno malaa‘ig oo dadkii dhintay la hadlo oon wax kasta hortooda kusoo kulminno, mayna rumeeyeen in Eebbe doono mooyee, hase yeeshee badankood waa jaahiliin.

 

Gaaladu wanaagga kuma toosaan, waxayna ku degdegaan dhaarta Eebbe, waxaana jirtay in gaaladii Makkaad ku dhaaran jireen in haddii Eebbe mucjisad soo dejiyo ay rumayn, Eebbaase awooddaas leh, hadday soo gaadhana ma rumaynayaan, markay Xaqa diideen yuuna Eebbe sii iilay qalbigooda iyo araggooda, si ay xumaanta ugu dhex wareeraan, xataa haddii malaa‘ig lagu soo dejiyo, dadkii dhintayna la hadlo, wax walbana la hor-keeno ma rumaynayaan Xaqa in Eebbe doono mooyee, badankooduna waa jaahiliin. Taasina waxay ku tusin xaqiiqada gaalada iyo siday ugasoo hor-jeedaan wanaagga. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Markay gaaladu diideen waxa Eebbe soo dejiyey qalbigoodu kuma sugnaanin waxba, wax walbana way diideen.” Al-Ancaam (109-111)

 

  1. Saasaan ugu yeellay Nabi kasta col shaydaan insi iyo jinniba leh, oo qaarkood qaarka kale u waxyoon [sheegi] hadal la dhoobdhoobay dhumin darteed, hadduu Eebbe doonana mayna faleen ee iskaga tag iyaga iyo waxay been-abuuran.
  2. Iyo inay maqasho quluubta kuwaan rumayn Aakhiro, iyo inay ka raalli noqdaan, iyo inay kasbadaan waxay guranayeen.
  3. Ma Diinta Eebbe waxaan ahayn yaan u dooni xaakim isagoo idiin soo dejiyey Kitaabka oo la caddeeyey? Kuwaan siinnay Kitaabka waxay ogyihiin in Qur’aanka laga soo dejiyey xagga Eebbahaa ee ha noqonin kuwa shakiya.
  4. Waxay ku taam-noqotay Kalimooyinka Eebbahaa run iyo caddaalad wax baddali Kalimooyinka Eebbana ma jiro, Eebbana waa maqle og.

 

Nabi kasta wuxuu lahaa col insi iyo jinniba leh, oo wax isu sheega, wuxuuna Eebbe faray Nabiga inuu warka gaalada iskaga fogaado, illeen waxay maqashaa quluubta kuwaan rumayn Xaqa waxa xune, Eebbe waxaan ahayn ma mudna in xaakin laga yeesho, illeen Isagaa soo dejiyey Kitaabka Qur’aanka ah oo cad, Yuhuud iyo Nasaarana waa ogyihiin in xagga Eebbahaa looga soo dejiyey, Xaqa in la shakiyana ma habboona, Sharciga Eebbana waa dhan yahay isagoo run iyo caddaalad ah, wax baddali karana ma jiro, Eebbana waa maqle og. Saas darteed waa in Xaqa lagu toosnaado, shaydaanna laga digtoonaado insi iyo jinba. Waxaa sugnaaday in Abuu Bakar warsaday Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) in dadku shaydaanno leeyahay oo uu ku yidhi, “Haa.” Al-Ancaam (112-115)

 

  1. Haddaad maqashid waxa dhulka ku sugan badankooda waxay kaa dhumin jidka Eebbe, mana raacayaan waxaan malo ahayn waana beenaalayaal.
  2. Eebbahaa yaa og cidda ka dhumi jidkiisa, isagaana og cidda hanuunsan.
  3. Ee cuna waxa magaca Eebbe lagu xusay haddaad aayaadkiisa rumaynaysaan.
  4. Maxaad la cuni waydeen waxa magaca Eebbe lagu xusi, isagoo laydiin caddeeyey waxa laydinka reebay inaad dhibban tihiin mooyee? Wax badan waxay ku dhumin [dadka] hawadooda cilmi-darro, Eebbahaana waa ogyahay kuwa xad-gudba.

 

Dadka badankiisu waxay dhumiyaan dadka, waxaan malo iyo been ahayna ma raacaan, Eebbana waa ogyahay cidda dhuntay iyo tan hanuunsan. Tan kale wuxuu Eebbe u banneeyey dadka rumeeyey inay cunaan waxa magaca Eebbe lagu xusay, illeen Eebbaa caddeeyey waxa la reebay haddaan dhibaato jirin, dadka badankiisuna wax bay dhumiyaan cilmi-darro, Eebbana isagaa og cidda hanuunsan. Aayaduhuna waxay muujin in laga digtoonaado xumaan-farayaasha, xalaashana la cuno, xaaraantana laga dheeraado. Al-Ancaam (116-119)

 

  1. Ka taga dambiga muuqda iyo kan qarsoonba, kuwa kasbada dambigana waxaa laga abaal-marin waxay kasbanayeen.
  2. Ha cunina waxaan lagu xusin magaca Eebbe, illeen waa xumaane, shaydaamaduna wax bay u sheegaan saaxiibkooda inay idinla murmaan, haddaad maqashaanna waxaad noqonaysaan gaalo.
  3. Cid mayd ahayd oon noolaynay oon u yeellay nuur uu ku dhex socdo dadka ma lamid baa mid mugdi ku sugan oo ka baxayn, saasaana loogu qurxiyey gaalada waxay falayeen.

 

Aayadda hore wuxuu Eebbe ku faray in dambiga dhammaantiis laga tago, mid muuqda iyo mid qarsoonba, ciddii dambi kasbatana waa laga abaal-marin wuxuu kasbaday, dambina waa waxa laabtaada kiciya ood neceb tahay in dadku kugu arko, siduu Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee). Aayadda kalana waxay reebi in la cuno waxaan magaca Eebbe lagu xusin marka la gawrici, uuna yahay jidka fiican oo laga baxo, illeen Shaydaanka yaa wax u sheega saaxiibbadiis si ay ugula murmaan Muslimiinta, ciddii warkaas maqashana oo raacda waa mid gaalowday. Yuhuud baa Nabiga ku tidhi, “Ma waxaan cunaynaa waxaan dillay oynaan cunayn waxa Eebbe dilay?” Markaasay soo degtay aayaddu. Tan kale waa tusaale Eebbe u yeelay cidda hanuunsan iyo cidda dhunsan oo shabaha mayd iyo noole, illeen midina nuur buu ku socdaa midina mugdi buu ku sugan yahay uusan ka baxayn, gaalana waxaa loo qurxiyey waxa xun oy falayaan, aayaduhuna waxay muujin in xumaanta laga tago, xalaashana la cuno, Shaydaankana laga digtoonaado, jidka fiicanna la qaado. Al-Ancaam (120-122)

 

  1. Saasaan ugu yeellay magaalo kasto dambiilayaal waawayn, inay wax ku dhagraan dhexdeeda, waxaan naftooda ahayna ma dhagrayaan mase oga.
  2. Markay soo gaadho aayad waxay dhahaan, “Rumayn maynno inta nalooga keeno wixii la siiyey Rasuulladii Eebbe.” Ilaahay baana og meeshuu yeeli Rasuulnimada, waxaana ku dhici kuwii dambaabay dulli Eebbe agtiisa ah iyo cadaab daran waxay dhagrayeen darteed.
  3. Cidduu Eebbe hanuuniyo wuxuu u waasiciyaa laabtiisa Islaamka, cidduu doono inuu dhumiyana wuxuu ka yeelaa laabtiisa cidhiidhi [dhib] ah sidii isagoo kori samada saasuuna u yeelay Eebbe xumaanta korka kuwaan rumaynin Xaqa.

 

Meel kasta waxaa jooga dad xun oo fasaad ka shaqeeya, dhagarna maleega, Xaqana beeniya iyagoo codsan in la tusiyo mucjisooyin lamid ah kuwii hore, awoodda iyo tasarrufkase Eebbaa iska leh, waxaana ku dhici dambiilayaasha dulli iyo cadaab daran dhagartooda darteed, Eebbana isagaa og cidduu dooran iyo cidduu u waxyoon. Cidduu Eebbe hanuun la doono laabtiisuu u waasiciyaa Xaqa, ciddii kalana laabteeduu cidhiidhi ka yeelaa sidii ruux samada u koraya, xumaanna waxay ku dhan tahay kuwaan rumaynin Xaqa. Nabigana (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) waxaa la warsaday laabta la waasiciyey, wuxuuna yidhi, “Waa nuur Eebbe ku tuuro qalbiga ruuxa,” markaasay dheheen, “Maxaa lagu garan?” Markaasuu yidhi, “Aakhiro oo loo darbado, adduunyadoon lagu khaldamin, iyo darbasho geeri ka hor.” Al-Ancaam (123-125)

 

  1. Wakaas jidkii Eebbahaa oo toosan aayaadkana waxaan u caddaynay ciddii wax xusuusan.
  2. Waxayna mudan yihiin guri nabadgalyo oo Eebbahood agtiisa ah isagaana gargaarahooda ah waxay camal-falayeen dartiis.
  3. Xusuuso maalintuu Eebbe kulmin dhammaantood [kuna dhihi], “Kulanka jinniyow waad badsateen [baadiyeynta] insiga,” waxayna dheheen saaxiibbadood oo insiga ah, “Eebbahannow qaarkanno qaar buu ku shaqaystay waxaana gaadhnay ajashaad [muddadaad] noo samaysay,” wuxuuna ku yidhi, “Naar baa hoyaadkiinna ah idinkoo ku waari dhexdeeda wuxuu Eebbe doono mooyee, Eebbahaana waa falsame oge ah.”
  4. Saasaana ugu dirraa daalimiinta qaarkood qaarka kale waxay kasbanayeen darteed.

 

Markuu Eebbe sheegay jidka kuwa dhumay yuu raaciyey Jidka Toosan ee xaqa ah, waana u cad yahay ciddii waantoobi, waxaana kuwaas u sugnaaday guri nabadgalyo oo Jannada ah, illeen xumaan iyo balaayoo dhan yey ka nabadgashaye, Eebbaana gargaare u ah camalkooda dartiis. Markaasuu Eebbe sheegay soo-kulmin insi iyo jinniba oy markaas sheegi in midkood kan kale ku intifaacay intay ka gaadhaan muddaduu Eebbe u qabtay, taasoo ah in insigu magan-gali jiray jinniga, wuxuuse Eebbe ku xukumay Naar ay ku waari, wuxuu Eebbe doono mooyee, waxaana caadi ah in daalimiinta qaarkood qaar lagu diro oo taladiisa uu gacanta ku dhigo, taasina waxay ku tusin in gaaladu sokeeye isu yihiin, siduu yidhi Qataade, “Mu‘minku waa sokeeyaha mu‘minka meel kastooy joogaan, gaaladuna waa sokeeyaha gaalka meel kastooy joogaan.” Al-Ancaam (126-129)

 

  1. Jinni iyo insiyow, miyuuna idiin imaanin Rasuullo idin kamid ah oo idiinka warrama aayaadkayga idiinkana diga la-kulanka maalintan? Waxayna dheheen, “Waan ku marag-furray naftannada,” waxaana dhagartay nolosha dhaw, waxayna ku marag-fureen naftooda inay gaalo ahaayeen.
  2. Arrintaasna waa inaan Eebbahaa halaagin magaalo dulmi dartiis iyadoo dadkeedu halmaansan yihiin [aan loo digin].
  3. Cid kasta darajooyin yey leedahay oo waxay camal-fashay ah Eebbahaana ma aha mid halmaansan waxay camal-faleen.
  4. Eebbahaana waa hodan naxariis badan, hadduu doono wuu idin baabi‘in idinkuna beddeli gadaashiin cidduu doono siduu idiinka abuuray faracii qawm kale.
  5. Waxa laydiin yaboohi wuu imaan, Eebbana ma daalisaan.
  6. Waxaad dhahdaa, “Qawmkayow, ku camal-fala sidiinnaas, anna waan camal-faliye, waxaadna ogaan doontaan cidday cidhib dambe u ahaatee, mana liibaano daalime.”

 

Aayadahanna wuxuu Eebbe ku sheegey in Qiyaamada la warsan gaalada insi iyo jinniba inuu u yimid Rasuul u diga iyo in kale, waxay isku marag-fureen inay u timid, waxaase khayaantay adduunyadii, waxayna isku marag fureen inay gaalo ahaayeen, Eebbana ma halaago dad uusan u soo dirin hanuuniye, cid walbana waxay mudan darajo waxay kasbatay, Eebbana ma halmaamo waxay fali dadku. Eebbana waa hodan naxariista, cidduu doonana wuu halaagi oo mid kale ku baddali, wax Eebbe daalinna ma jiro, cid walbana ha fasho waxay rabto, daalimna ma liibaano. Al-Ancaam (130-135)

 

  1. Waxay uga yeeleen Eebbe wuxuu abuuray oo beero iyo xoola ah qayb, waxayna dheheen, “Kan Eebbaa iska leh,” sheegashadooda, “Kanna waxaa iska leh shurukadannada [sanamyada],” waxa sanamyadu ma gaadho Eebbe, waxa Eebbana wuxuu gaadhaa sanamyadooda, waxaa xun waxay xukumeen.
  2. Saasayna ugu qurxiyeen in badan oo gaalada ah dilidda carruurtooda shurakadoodu [shayaadiintu] inay halaagaan kana khaldaan diintooda, hadduu Eebbe doonana mayna faleen ee isaga-tag iyaga iyo waxay been-abuuran.
  3. Waxay dheheen, “Tan waa nicmooleey iyo beer reeban oosan ka quudanayn ciddaan doonno mooyee,” sheegashadooda, iyo nicmoolay la xarrimay dhabarkeeda [in la rarto] iyo nicmoolay aan magaca Eebbe lagu xusayn ku been-abuurasho darteed, wuxuu ka abaal-marin Eebbe waxay been-abuuranayeen.

 

Aayadahanna waa canaan iyo guulid gaaladii qaybisay xoolaha iyo beeraha oo qaarna Eebbe ku sheegay qaarna sanamyada, hadduu waxa sanamku ku darmado kan kalana ay soo celinayaan, hadduu kay Eebbe ku sheegeen ku darmadana daayaan, waana xaal guud ahaan u xun, waxaa kalooy sanamyadu u qurxiyeen gaalada dilidda carruurtooda, iyagoo xoolana qaar ka reebay inuusan hilibkooda cunayn cidayna doonin, qaarna ay sii-daayeen, qaarna aan lagu gowracayn magaca Eebbe, waxaasuna waa wax Eebbe ka abaal-marin oo been ah, ku tusinna caqli-xumada gaalada iyo garasha-darridooda. Al-Ancaam (136-138)

 

  1. Waxay dheheen gaaladii, “Waxa ku jira uurka nicmoolaydan waxay gaar u tahay raggannaga waxayna ka reebban tahay haweenkannaga, hadday bakhti tahayna way wadaagi.” Wuxuu ka abaal-marin Eebbe tilmaantooda, illeen waa falsame oge.
  2. Waxaa dhab u khasaaray kuwa dilay carruurtooda caqli-xumo darteed iyo cilmi-la‘aan oo reebay wixii Eebbe ku arzuqay been-abuurasho Eebbe darteed, way dhumeen mana hanuunsana.
  3. Eebbe waa kan soo bixiyey beero la dhisay iyo kuwaan dhisnayn, iyo timir, iyo tallad kala duwan yahay cuniddiisu, iyo zaytuun, iyo rummaan isu-eg iyo qaar aan isu-ekeyn, ka cuna midhihiisa [zakada] maalinta la goyn, hana xad-gudbina Eebbe ma jecla kuwa xad-gudbee.
  4. Nicmoolayda waxaa kamid ah mid la rarto, iyo mid kuwa yaryar ah, ka cuna waxa Eebbe idinku arzaaqay hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka illeen waa colkiinna oo cade.

 

Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Caanaha waxay u diidi jireen gabdhaha waxayna siin jireen wiilasha, hadduu neefka dhaddiga ah lab dhalo way gawrici jireen, waxayna siin jireen ragga, hadduu dhaddig yahayna way dayn jireen, hadduu bakhti yahayna way wadaagi jireen, markaasuu Eebbe ka reebay arrintaas.” Waxaa kale oo uu yidhi, “Haddaad dooni inaad ogaato jaahilnimadii Carab akhri waxa ka sarreeya boqol iyo soddan suuradda Ancaam.” Aayadaha kalana wuxuu Eebbe ku sheegay nicmooyinka iyo khayraadka dhulka kasoo baxa, wuxuuna faray in laga bixiyo xaqiisa, oon laguna xad-gudbin, xoolahan waxaa kamid ah kuwo la rarto iyo kuwo yaryar, waana in nicmada Eebbe si fiican loo cunaa oon lana raacin waddooyinka Shaydaanka illeen waa colka dadkee, mana habboona in nicmada Eebbe lagu kibro ama lagu xad-gudbo. Al-Ancaam (139- 142)

 

  1. Waa siddeed nooc, labo ido ah iyo labo riyo ah [lab iyo dhaddig], ma labada lab yuu reebay Eebbe mise labada dhaddig mise waxa uurka kuwa dhaddig ku jira? Noo warrama cilmi haddaad run sheegaysaan.
  2. Geelana labo kamida lo‘dana labo, dheh “Ma labada lab yuu Eebbe reebay mise kuwa dhaddig mise waxa uurka kuwa dhaddig ku jira, mise marag baad ka ahaydeen markuu idin faray Eebbe sidaas, yaase ka dulmi badan cid ku abuuratay Eebbe, inuu dhumiyo dadka cilmi-darro? Eebbana ma hanuuniyo qawm daalimiin ah.”
  3. Waxaad dhahdaa, “Kama helayo waxa lay waxyooday wax ka reebban cidda cuni oon ahayn bakhti, dhiig butaaci, hilib doofaar, illeen waa nijaase iyo wax xun oo lagu gawracay magaca Eebbe waxaan ahayn, ruuxii baahda dulmi iyo xad-gudub la’aan, Eebbahaa wuu u dambi-dhaafi una naxariisan [hadduu baahidaa u cuno].

 

Aayadaha hore waxay caddayn jaahilnimadii Carbeed Islaamka ka hor, markay xaaraan yeeleen xoolaha qaarkood, waxaasi waa beentooda ay dooni inay dadka ku dhumiyaan, Eebbana ma toosiyo daalimiinta, waxaana jiray nin la dhihi jiray Camar binu Luxyi oo dadka u horseeday waxyaalahaas, dhabtuna waa in xaaraantu tahay bakhtiga, dhiig butaaci, hilibka doofaarka, illeen waa nijaase, iyo wax xun oo lagu gowracay waxaan magaca Eebbe ahayn, waxay Diintu u reebtay waxaasna waa xikmad wayn, oo qaarna muuqdo qaarna qarsoon yahay, waxyaalo kalana waa jiraan. Al-Ancaam (143-145)

 

  1. Kuwa Yuhuudda ah waxaan ka reebnay wax kastoo ciddi leh, lo‘da iyo adhigana waxaan ka reebnay baruurtooda, waxay dhabarka ku qaadaan [baruurta dhabarka] mooyee, ama uur-ku-jirta, ama wixii ku dheehan laf, saasaana ku abaal-marinnay dulmigooda dartiis, run baana sheegaynaa.
  2. Hadday ku beeniyaan waxaad dhahdaa. “Eebbihiin waa naxariis-badane lagamana celiyo ciqaabtiisa qawmka dambiilayaasha ah.”

 

Yuhuud way kibirtay, markaasaa Eebbe ku ciqaabay inuu ka xarrimay hilibka waxa ciddida leh, sida geela, gorayada iyo wixii lamid ah, sidoo kale waxaa laga xarrimay baruurta lo‘da iyo adhiga, waxa dhabarka kaga yaalla, ama uur-ku-jirta ku sugan ama laf ku dheehan mooyee. Saasaana loo ciqaabaa ciddii kibirta, Eebbana waa runle, haddday Yuhuud iyo gaaladuna beeniyaan Nabiga, Eebbe waa naxariis-badane ciddii tawbad keenta, ciqaabtiisana wax ka celin dambiilayaasha ma jiro, Yuhuudduna wataas khayaamada iyo xumaanta la joogtay. Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: Eebbe ha naclado Yuhuud wuxuu ka reebay baruurta, markaasay gadeen oo cuneen lacagtii (wixii laga reebay lacagtiisa).” Al-Ancaam (146-147)

 

  1. Waxay odhan kuwii gaaloobay, “Hadduu Eebbe doono maanaan gaalowneen anaga iyo aabbayowganno, waxna maanaan xarrimneen,” saasayna u beeniyeen kuwii ka horreeyey intay ka dhadhamiyaan ciqaabtannada, waxaad dhahdaa, “Agtiinna cilmi ma yahay aad noo soo bixisaan [muujisaan]? Waxaan malo ahayn ma raacaysaan waxaadna uun tihiin beenaalayaal.”
  2. Waxaad dhahdaa “Eebbaa iska leh xujada wayn, hadduu doonana wuu idin hanuunin dhammaan.”
  3. Waxaad dhahdaa, “Keena markhaatigiinna idiin marag-furi in Eebbe reebay kan [aad reebteen],” hadday marag-furaan ha marag-furina la-jirkooda, hana raacina hawada kuwa beeniyey aayaadkannaga, kuwaan rumaynin Aakhiro iyaguna Eebbahood wax bay la simaan.

 

Aayadahan waxay caddayn muran iyo waxyaalo ay u xujaysan waxa xun oy fali, iyagoo sheegi in Eebbe arko oo raalli ka yahay, waana xujooyin ay sheegsheegi oon qiimo lahayn, waana male iyo been raac, Eebbaase iska leh xujada iyo xikmada dhabta ah cidduu doonana hanuunin, wax marag ah oy u hayaan xaalkaasna ma jiro, waana in laga digtoonaado hawada kuwa beeniyey aayaadka Eebbe, kuwaan Aakhiro rumaynna waxay Eebbe la simi waxyaalo kale, cidna xaq uma leh inay sheegato in xumaantiisa Eebbe ka raalli yahay, maxaa yeelay Eebbe caqli buu siiyey, jidkana wuu u caddeeyey, saas darteed waa in wanaagga la raaco xumaantana laga leexdo oon sababo loo daydayan, ma jirto sabab loo cuskan arrintaas, ee waa uun xumaan iyo shaydaan. Al-Ancaam (148-150)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Kaalaya aan idiin akhriyo waxa Eebbe idinka reebaye, waa inaydaan wax la wadaajin, labada waalidna waa inaad u samo-fashaan [oydaan caasiyin] oydaan laynna carruurtiinna saboolnimo [baahi] Annagaa idinka iyo iyagaba arzaaqi, hana u dhawaanina xumaanta teeda muuqata iyo teeda qarsoonba, hana dilina naftii Eebbe reebay in xaq-darro lagu dilo, saasuuna Eebbe idin fari inaad wax kastaan.”
  2. “Hana u dhawaanina xoolaha agoonta si fiican mooyee intay ka gaadhaan xooggooda, dhammaystirana miisidda iyo miisaanka, si caddaalad ah, laguma kallifo nafi waxayna karin haddaad hadlaysaanna caddaalad fala qaraababa ha ahaadee, oofiyana ballanka Eebbe, sidaasaana Eebbe idin faray inaad waantowdaan.
  3. Kaasina waa Jidkayga Toosan ee raaca, hana raacina wadiiqadaha oo idin la kala tago [idinka leexiyo jidka Eebbe] saasaana Eebbe idin faray inaad dhawrsataan.

 

Ibnu Mascuud wuxuu yidhi, “Ciddii dooni inuu arko dardaarankii Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ee korkiisa shabadiisu ku taallay ha akhriyo aayadahan.” Ibnu Cabbaasna wuxuu yidhi, “Suuradda Ancaam waxaa ku sugan aayado sugan oo Qur’aanka hooy u ah,” wuxuuna akhriyey aayadahan. Waxayna ka digi aayaduhu gaalnimo, waalidka oo la xumeeyo, carruurtoo baahi darteed la laayo, xumaanta oo loo dhawaado wax muuqda iyo wax qarsoon, naf xaq-darra loo dilo, xoolaha agoonta oo loogu dhawaado xumaan isagoon qaan-gaadhin, miisidda iyo miisaanka oo la nusqaamiyo, caddaalad-xumo, ballanka Eebbe oon la oofin, jidka Shaydaanka oo la raaco. Waana aayado la-yaab leh oo kulmiyey dardaaran wayn kana digtay xumaan badan, jidka Eebbe ee toosanna waa jidka Xaqa ah ee Qur’aanku fari, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuu tusiyey taasoo caddayn in jidka Xaqa ah mid kaliya yahay, waddooyin badan oo Shaydaan ugu yeedhina jiraan, oy waajib tahay in laga digtoonaado. Al-Ancaam (151-153)

 

  1. Waxaana siinnay [Nabi] Muuse Kitaabkii [Tawreed] annagoo dhammaystiri waxa wanaagsan, wax walbana caddayn, isagoo hanuun iyo naxariis ah, inay la-kulanka Eebbahood rumeeyaan.
  2. Kanna [Qur’aanku] waa kitaab aan soo dejinnay oo barakaysan, ee raaca dhawrsadana in laydiin naxariisto.
  3. Oydaan dhihin, “Waxaa uun Kitaab lagusoo dejiyey labadii qolo ee naga horreeyey, annaguna ma naqaanno cilmigoodii.”
  4. Ama aydaan dhihin, “Haddii nalagu soo dejiyo Kitaab waxaan ahaan lahayn kuwo ka hanuunsan iyaga,” waxaa idiinka yimid xujo [cad] xagga Eebbihiin, iyo hanuun, iyo naxariis, cid ka dulmi badanna ma jirto mid beenisay aayaadka Eebbe oo ka jeedsatay, waxaannu ku abaal-marin kuwa ka jeedsada aayaadkannaga cadaab xun jeedsigooda dartiis.

 

Halkan Eebbe wuxuu ku sheegay ammaanta Tawreed iyo Kitaabka Qur’aanka ah ee barakaysan, oy waajib tahay in la raaco, lana dhawrsado si naxariista Eebbe loo muto, aayadaha kalana waxay caddayn in Qur’aanka lasoo dejiyey si aan loo calaacalin, oon loo dhihin, “Kuwii naga horreeyey waxaa la siiyey Kitaab annagana wax ma naqaanno,” ama ayna u dhihin, “Haddii Kitaab nalagu soo dejiyo annagaa ka hanuunsanaan lahayn,” markaasuu Eebbe u sheegay in xujo iyo hanuun Eebbe u yimid iyo naxariis cid ka dulmi badanna uusan jirin ruux beeniyey aayaadka Eebbe oo ka jeedsaday, waxaana lagu abaal marin kuwaas cadaab xun, jeedsigooda dartiis. Aayaduhuna waxay caddayn inaan cidna xujo u haysan beeninta Xaqa illeen Kitaab Xaq ah oo wax walba caddeeyey yaa Eebbe u soo dejiyeye, kaasoo mudan in la raaco oo lagu dhaqmo, looguna yeedho wanaaggiisa. Al-Ancaam (154-157)

 

  1. Ma waxay sugayaan inay Eebbe iyo malaa‘igta la kulmaan ama u yimaadaan aayadaha Eebbahaa qaarkood? Maalintay u imaan aayadaha Eebbahaa qaarkood wax uma tarto naf rumayn iyadoon horay u rumayn ama aan ku kasban iimankeeda khayr, waxaad dhahdaa, “Suga annaguna waanu sugaynaa.”
  2. Kuwa ku kala-tagay diintooda oo noqday kooxo, kamid ma tahid, amarkoodana Eebbe un baa iska leh markaasuu uga warrami waxay falayeen.
  3. Ciddii la timaadda wanaag wuxuu mudan toban lamid ah, ciddii la timaadda xumaanna waxaa laga abaal-mariyaa mid lamid ah lamana dulmiyo.

 

Halkan wuxuu Eebbe ugu goodiyi gaalada Xaqa beenisay maalintay la kulmaan Eebbe iyo malaa‘igtiisana wax rumayna oo laga aqbali ma jirto, haddaan horay Xaqa loo rumeyn, ama khayr horay loo kasban, ha sugeen gaaladu Muslimiintuna way sugiye, kuwa ku kala-tagay diintana Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) waxba kama dhexeeyo, amarkoodana Eebbaa iska leh, aayadduna waxay ka digi ku kala-tagga Diinta iyo is-khilaafka mar hadduu Xaqu cad yahay mid kaliyana yahay, waana ka Nabiga lagu khatimay Nabiyadii horana haysteen. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Haddaan Nabiyada nahay Diintannadu waa mid kaliye.” Kala-tag, is-khilaaf, iyo kooxo kooxana ma oggola Diinta Islaamku, Eebbe waa kali dadkuna waa addoomadiisa Xaquna waa mid markaas maxaa loo kala tegi? Tan kale ciddii wanaag fasha waa loo toban-laabi, xumaantuna waa hal kaliya, cid la dulminna ma jirto, taasina waa naxariista Eebbe iyo fadligiisa uu u naxariisan addoomadiisa illeen waa naxariistee. Al-Ancaam (158-160)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Wuxuu igu hanuuniyey Eebbahay Jid Toosan Diin sugan oo Diintii [Nabi] Ibraahiim isagoo toosan oon gaalada kamid ahayn.”
  2. Waxaad dhahdaa, “Salaaddayda, waxaan gawrici, noloshayda iyo geeridaydaba Eebbaa iska leh, Eebbaha caalamka ah.”
  3. “Wax la wadaagana ma jiro, saasaana lay faray anigaana ugu horreeya Muslimiinta [ummaddan].”
  4. Waxaad dhahdaa, “Ma wax Ilaah kasoo hadhay yaan Eebbe ka dooni [dhigan] isagoo Ilaahay wax walba Eebbe u ah, naf kastana waxay kasbato waa uun korkeeda, nafna dambi naf kale ma qaaddo, xagga Eebbihiin un baana laydiin celin, wuxuuna idiinka warrami waxaad isku diiddanaydeen.
  5. Eebbana waa kan idinka yeelay kuwo dhulka u hadhay, qaarkiinna qaar ka sara-mariyey darajooyin, inuu idinku imtixaamo wuxuu idin siiyay, Eebbana waa degdegtaa ciqaabtiisu waana dambi-dhaafe naxariista.

 

Halkanna wuxuu Eebbe faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu sheego inuu ku toosan yahay Diin fiican oon qallooc lahayn, oo ah Diintii Nabi Ibraahiimkii toosnaa, iyo salaadda camalka iyo gawraca, noloshooda iyo geeridoodaba Eebbe iska leeyahay ee wax la wadaagaa uusan jirin, Nabiguna waa imaamka ummaddan iyo mu‘miniinta oo dhan, waxaan Eebbe ahaynna Eebbe lagama dhigto illeen Isagaa wax walba Eebbe u ahe. Naf walbana waxay kasbatay iyadaa ka mas’uul ah, nafna naf kale dambigeeda ma qaaddo, dhammaanna Eebbaa loo noqon, caddaynna wixii laysku diiddanaa, waana kan inaga yeelay kuwa camira dhulka oo ku noolaada, kalana duway dadka oo ka yeelay mid cilmi leh, mid jaahil ah, mid xoola leh, mid sabool ah, mid Eebbe ka yaabi, mid kale iyo wax la mida, imtixaan dartiis. Eebbana waa degdegtaa ciqaabtiisu waana dambi-dhaafe naxariista. Suuradduna waxay ku dhammaatay cabsi-galin iyo rajo-galin oo ah sida Qur’aanka ku badan, si aan laysu illoobin, ama looga quusanin naxariista Eebbe. Al-Ancaam (161-165)

***

Suurat al-Acraaf

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guild iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Alif. Laam. Miim. Saad. [Waxay ku tusin mucjisada Qur’aanka.]
  2. Kani waa Kitaab aannu kuu soo dejinnay ee yeyna laabtaada dhibi [cidhiidh] ahaan inaad ugu digto, waana waanada mu‘miniinta.
  3. Raaca waxa laydiinka soo dejiyey xagga Eebbe, hana raacina wax kasoo hadhay oo awliyo ah [gargaara ah] yaraana intaad waantoobaysaan.
  4. Badanaa intaan magaalo halaagnay oo u timid ciqaabtannadii iyadoo jiifta [habeen] ama qayluushan [maalin].
  5. Baryadoodu [qayladooduna] markuu u yimid halaaggannagu ma ahayn waxaan ahayn inay dhahaan, “Annagaa daalimiin ahayn.”
  6. Waana warsanaynaa kuwii loo diray [ummadihii waxay ku jawaabeen] waana warsanaynaa kuwii la diray [Rasuulladii inay gaadhsiiyeen].
  7. Waana uga warramaynaa ogaansho mana aanaan ka maqnayn.

 

Kitaabka Qur’aanka ah waa Kitaab xaq ah oo Nabiga lagu soo dejiyey, mana aha inuu cidhiidhi ku galo gaadhsiintiisa, waana waanada mu‘miniinta, waana in la raaco Qur’aankan Eebbe soo dejiyey, mana aha in la raaco xukun Eebbe xukunkiisa kasoo hadhay, wax waano qaadanna waa yar yahay. Imisaa la halaagay magaalo goor habeen ah ama maalin, markaasna ku qayliyeen inay daalimiin ahaayeen, Eebbana wuu warsan ummadaha waxay ugu jawaabeen Nabiyada, Rasuulladana waxaa la warsan inay gaadhsiiyeen Xaqii, Eebbana wax walba waa ogyahay wax ka qarsoonna ma jiro illeen Eebbe inagama maqnee, Rasuulkana (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Dhammaantiin waxaad tihiin ilaaliye dhammaantiinna waa laydin warsan.” Al-Acraaf (1-7)

 

  1. Miisaanku waa xaq maalintaas [Qiyaamada] cidday cuslaato miisaankiisa [fiican] kuwaasu waa uun kuwa liibaanay.
  2. Cidduu fududaado miisaankiisuna kuwaasuna waa kuwa khasaariyey naftooda dulmigay ku falayeen aayaadkannaga dartiis.
  3. Waxaan idin makaninay dhulka waxaana idiinka yeellay meel lagu noolaado, waxaase yar intaad shukriyeysaan.
  4. Waan idin abuurray [Nabi Aadan] waana idin suuraynay, markaasaan ku nidhi malaa‘igta, “U-sujuuda [Nabi] Aadam [salaan],” wayna sujuudeen, Ibliise ma ahayn kuwa sujuuda.
  5. Wuxuu yidhi [Eebbe], “Maxaa kaa reebay inaad sujuuddo markaan ku faray?” Wuxuu yidhi, “Anaa ka khayr-roon, waxaad iga abuurtay dab isagana waxaad ka abuurtay dhoobo.”

 

Eebbe waa caadil, wuxuuna oogi Qiyaamada miisaan xaq ah, ciddii khayrkeedu badnaadana waa liibaantay, tii khayrkeedu yaraadana way khasaartay isagaana dulmi falay, markaasuu Eebbe xusuusiyey addoomadiisa siduu ugu nicmeeyey, dhulkana ugu sugay una makaniyey, wayse shukri yar yihiin, markaasuu haddana xusuusiyey siduu u sharifay aabbahood Nabi Aadam, malaa‘igtana u faray inay qaddariso, wayna yeeleen oo faleen wuxuu Eebbe faray, Ibliise isagu wuu diiday inuu wayneeyo Nabi Aadam, wuuna xasday wuxuuna sheegay inuu isagu ka fiican yahay, illeen dab baa laga abuuray, Nabi Aadamna dhoobee, waana qiyaas beena oo xun. Cid kastoo nasab, dhalasho, iyo asal si xun ugu faanta oo Xaqa ku diidana Ibliis baa bare iyo hoggaamiye u ah, dadkuna waxay ku kala fiican yihiin Eebbe ka-yaabid, wanaagga, sharafta iyo akhlaaqda fiican ee wax-tarka ah mase aha waxaan ahay hebel. Al-Acraaf (8-12)

 

  1. Wuxuu yidhi [Eebbe], “Ka daga xaggeeda [Jannada] xaq uma lehid inaad isku dhex kibriside, bax waxaad kamid tahay kuwa dullaysane.”
  2. Wuxuu yidhi, “Ii sug tan iyo maalinta lasoo bixin.”
  3. Wuxuu yidhi [Eebbe], “Waxaad kamid tahay kuwa la sugi.”
  4. Wuxuu yidhi, “I baadiyeyntaada darteed waxaan u fadhiisan Jidkaaga Toosan [waan dhumin].”
  5. “Waxaana kaga iman hortooda, gadaashooda, midigta iyo bidixda mana helaysid badankooda oo shukriyi.”
  6. Wuxuu yidhi Eebbe, “Ka bax xaggeeda adoo caayan oo la dheereeyey, ciddii ku raacdana waxaa laga buuxin Jahannamo dhammaantiin.”

 

Eebbe wuxuu amray Ibliis inuu ka baxo Jannada Eebbe agteeda illeen kuma habboona Eebbe agtiisa isku-kibrine, wuxuuna faray inuu baxo isagoo dullaysan, wuxuuse Eebbe warsaday in la sugo tan iyo Qiyaamada, wuxuuna u ballan-qaaday in la sugi tan iyo maalintaas, wuxuuna ku dhaartay Ibliis inuu dhumiyo dadka kana leexiyo Jidka Toosan, dhan walbana uga imaan, una qurxin adduunka, wuxuuna Eebbe ugu jawaabay, “Bax adoo ceeb leh oo caayan lana fogeeyey, Jahannamana laydinka buuxin adiga iyo inta ku raacdaba.” Ibliisna saasuu col ugu yahay dadka ayna waajib tahay in laga digtoonaado. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Shaydaan wuxuu u fadhiistay dadka jidka wuxuuna ka reebay Islaamidda, Hijrada, iyo Jahaadka, wayna khilaafeen oo faleen khayrkii ciddii saas yeesha oo si kasta u dhimata Jannaday gali.” Waxaana wariyey Imaamu Axmed. Al-Acraaf (13-18)

 

  1. “[Nabi] Aadamow dega adiga iyo haweenaydaadu Jannada, kana cuna meeshaad doontaan, hana u dhawaanina geedkan, ood noqotaan daalimiin.”
  2. Waxaana waswaasiyey Shaydaan, inuu ka muujiyo xaggooda wixii laga asturay oo cawradooda ah, wuxuuna yidhi, “Wuxuu idinka reebay Eebbe geedkan inaydaan noqonin malaa‘ig, ama aydaan waarin.”
  3. Wuxuuna ugu dhaartay, “Inaan idiin ahay naseex.”
  4. Wuuna soo dejiyey dhagar darteed, markay dhadhamiyeen geedka waxaa u muuqday xumaantooda waxayna ahaayeen kuwo isku dhadhajiya caleenta Jannada waxaana u yeedhay Eebbahood, “Miyaanan idinka reebin geedkan, oonan idinku odhan Shaydaanku wuxuu idiin yahay col cad?”
  5. Waxayna dheheen, “Eebbow waxaan dulminay naftannada haddaadan noo dambi-dhaafin oodan noo naxariisanna waxaan ahaanaynaa kuwo khasaaray.”

 

Ilaaheen wuxuu ina xusuusin siduu ugu nicmeeyey Aadam iyo Xaawo Jannadana u dejiyey una banneeyey inay nicmadeeda cunaan marka laga reebo hal geed, waxaase xasday Shaydaan, wuuna khayaamay isagoo u dhaartay inuu nasteex u yahay, markay geedkii wax ka cuneenna darajadii ka dhacday, cawradiina muuqatay, Eebbana xusuusiyey inuu Shaydaan uga digay una caddeeyey inuu col idiin yahay, markaasay calaacaleen oo qirteen gafkoodii Eebbana naxariis warsadeen, taasina waxay ku tusin tabar-yarida dadka iyo khaldami ogiddiisa, iyo wax badso jacaylka inkastoo loo nicmeeyo, iyo colnimada Ibliis iyo khayaamadiisa, iyo in laga digtoonaado cid kasta oo nasteex iska dhigi haba dhaartee, illeen cid kastoo dhaaratay run ma sheegaysee, iyo in dambigu ceebta muujin, kuna kashifi, waase in Eebbe la magan-galo, laguna xidhnaado. Al-Acraaf (19-23)

 

  1. Wuxuu yidhi Eebbe, “Ka dega, qaarkiin qaar buu col u yahaye, waxaana dhulka idiinku sugan nagaadi iyo raaxo tan iyo muddo.”
  2. Wuxuuna yidhi Eebbe, “Dhexdiisaad ku noolaanaysaan dhexdiisaana ku dhimanaysaan xaggiisaana laydin kasoo bixin.”
  3. Banii Aadamow waxaan idiin soo dejinnay dhar astura xumaantiinna [cawrada] iyo labbis [xarrago] dharka dhawrsashada yaase khayr-roon, kaasina waa aayaadka Eebbe inay dadku wax xusuustaan.
  4. Banii Aadamow yuusan idin fidnayn Shaydaan siduu ugasoo bixiyey labadiinnii waalid Jannada, isagoo ka siibi dharkoodii inuu tusiyo xumaantooda [cawrada] wuu idin arkaa isaga iyo colkiisu idinkuse ma aragtaan, waxaana uga yeelnay Shaydaanka sokeeya kuwaan rumeynin Xaqa.

 

Wuxuu faray Eebbe inay ka baxaan Jannada iyagoo qaarkood qaar col u yahay, iyagoo dhulka ku nagaan tan iyo muddo, oy kuna noolaan dhexdiisa kuna dhiman lagana soo bixin, markaasuu Eebbe uga warramay dadka wuxuu ugu nicmeeyey oo dhar ay isku asturaana iyo mid xarrago, waxaase ka khayr-roon dhawrsoonida si ay u xusuustaan, wuxuuna uga digay inuu fidmeeyo Shaydaanku siduu waalidkood Aadam iyo Xaawa uga saaray Jannada, isagoo ka siibay dharkoodii, waxaana jira inuu Shaydaanku u jeedo dadka iyaguse ayan arkayn, Shaydaankuna wuxuu saaxiib la yahay kuwaan rumaynin Xaqa. Waxayna aayaduhu caddayn siduu Shaydaan dadka col ugu yahay, iyo inay ka digtoonaadaan, iyo inay xusuustaan sida Eebbe u arrad-bixiyey uguna soo dejiyey dhar ay isku asturaan, waxaase muuqda in dadka qaarkiis jecel yahay is-qaawinta, sida kuwa dharka gaabsaday iyo kuwa xidhay dharka khafiifka ah ee aan wax asturayn, taasoo ku tusin inta diidday shukriga nicmada Eebbe. Al-Acraaf (24-27)

 

  1. Markay falaan xumaanna waxay dhahaan, “Waxaan ka hellay aabbayaalkanno Eebbaana na faray iyada.” Waxaad dhahdaa, “Eebbe ma faro xumaan. Ma waxaad ku dhahaysaan Eebbe waxaydaan ogayne?”
  2. Waxaad dhahdaa, “Wuxuu faraa Eebbe caddaaladda iyo inaad u-jeedisaan wajigiinna [xaggiisa] masaajid kasta agtiisa, baryana idinkoo u kali-yeeli Diinta, siduu idinku billaabay yaad kusoo noqonaysaan.”
  3. Koox wuu hanuuniyey, kooxna waxaa ku sugnaaday korkooda baadi, maxaa yelay waxay ka yeesheen shayaadiinta awliyo, waxayna u malayn inay hanuunsan yihiin.

 

Waxaana wax lala yaaba ah in markay gaaladu xumaan falaan sheegaan inay aabbayaalkood kasoo gaadheen, Eebbana faray sidaas, Eebbase ma faro xumaan, mana habboona in Eebbe lagu been-abuurto. Eebbese wuxuu faraa caddaaladda, salaad dar Eebbe ah, waxaana jirta inuu Eebbe dadka u soo celin siduu ku billaabay, Eebbe wuxuu hanuuniyaa qaar, qaarna way dhumaan, maxaa yeelay Shaydaan yey sokeeye ka yeesheen Eebbe ka-sokow iyagoo isu-malayn inay hanuunsan yihiin, mana habboona in cidna xumaanta lagu raaco ama aabbo ha ahaado ama cid kale ha ahaatee. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuuu yidhi, “Dadow waxaa laydiin soo kulmin Eebbe idinkoo kaba la‘, qaawan, oon gudnayn, Eebbaa yidhi, ‘Saan ku billownay yaan kusoo celinaynaa.’” Bukhaari iyo Muslim. Al-Acraaf (28-30)

 

  1. Banii Aadamow qaata quruxdiinna [dharka] masaajid kasta agtiisa, cuna oo cabbana hana xad-gudbina illeen Eebbe ma jecla kuwa xad-gudbee.
  2. Waxaadna dhahdaa, “Yaa reebay quruxdii Eebbe usoo bixiyey addoomadiisa, iyo wanaagga rizqiga ah?” Waxaad dhahdaa, “Waxaa iska leh kuwa rumeeyey nolosha adduunyo dhexdeeda, gaarna u tahay maalinta Qiyaame,” saasaana ugu caddaynay aayaadkannaga ciddii wax og.
  3. Waxaad dhahdaa, “Wuxuu uun xarrimay Eebbahay waxa xun kan muuqda iyo ka qarsoonba, iyo dambiga, iyo xad-gudub xaq-darro iyo inaad la wadaajisaan Eebbe wuxuusan xujo u soo dejinin, iyo inaad ku sheegtaan Eebbe waxaydaan ogayn [xaqnimadiisa].”

 

Waa in cawrada la asturo marka la cibaadaysan iyo mar walba, waxna la cuno lana cabbo isagoon la xad-gudbayn, illeen Eebbe ma jecla kuwa xad-gudbee, cid xarrimi kartana ma jirto quruxda iyo wanaagga rizqiga ah ee Eebbe usoo saaray dadka, wanaagga way mudan tahay mu‘miniinta adduunka, gaar bayna u tahay Qiyaamada saasuuna Eebbe ugu caddeeyey aayaadkiisa ciddii wax kasi, Eebbe wuxuu xarrimaa xumaanta mid muuqata iyo mid qarsoonba iyo dambiga, iyo dulmiga xaq-darro iyo in Eebbe lala wadaajiyo waxaan xujo lahayn iyo in lagu sheego Eebbe waxaan loo cilmi lahayn. Aayaduhuna waxay ku tusin in wanaaggana la falo xumaantana laga fogaado. Al-Acraaf (31-33)

 

  1. Ummad kasta waxaa u sugnaaday ajal [muddo] markay timaaddo ajashuna kama dib-maraan saacad kamana hor maraan.
  2. Banii Aadamow hadday idiin yimaadaan Rasuullo idin kamid ah oo idiinka warrama aayaadkayga ciddiise dhawrsata oo wanaag fasha, cabsi ma saarra mana walbahaaraan.
  3. Kuwa beeniyey aayaadkannaga oo iska-kibriya xaggeeda kuwaasi waa Naarta ehelkeeda wayna ku waari.
  4. Yaa ka dulmi badan cid ku abuuratay Eebbe been ama beenisa aayaadkiisa? Kuwaasu waxay heli qaybtoodii loo qoray, markay u timaaddo malaa‘igtannada [mawdka] oo dili waxay ku dhahaan, “Aaway waxaad caabudayseen Eebbe ka-sokow?” Waxay dhahaan, “Way naga dhumeen,” waxayna ku marag-fureen naftooda inay ahaayeen gaalo.

 

Eebbe wuxuu u yeelay ummad kasta waqti ayna kana dib-dhacayn kana hor-marayn, wuxuuna uga digay khilaafidda Rasuulladiisa, taasoo ah in ciddii dhawrsata oo wanaag fasha ayan cabsi iyo murug midna arkayn, ciddiise beenisa aayaadka Eebbe oo is-kibrisana ay Naar gali kuna waari, cid ka dulmi badanna ma jirto ruux ku been-abuurtay Eebbe ama beeniyey aayaadkiisa, wuxuuna la kulmi camalkiisii iyo wixii loo yaboohay, markay dhimanna malaa‘igtaa canaanata oo warsata waxay caabudi jireen oo Eebbe kasoo hadhay, waxayna qirtaan gaalnimadii iyagoo waxay caabudayeen ka maqnaaday, taasna waxay dadka uga digi inay wax Eebbe kasoo hadhay wax ka dayaan. Al-Acraaf (34-37)

 

  1. Wuxuu yidhi Eebbe, “La gala Naarta ummado hortiin tegay oo jinni iyo insiba leh,” markastooy ummadu gasho waxay lacnaddaa walaasheed [saaxiibkeed] markay isku haleelaan dhammaantood dhexdeedana waxay ku dhahdaa tan dambe [wax raacda] tan hore [la raaco], “Eebbow kuwanaa na dhumiyey ee u laablaab cadaab,” Eebbe wuxuu odhan, “Mid kasta waa loo laablaabi mase ogidin.”
  2. Waxay ku odhan tan hore tan dambe, “Wax dheeraada naguma lihidin ee dhadhamiya cadaabka waxaad kasbanayseen darteed.”
  3. Kuwa beeniyey aayadkannaga oo iska-kibriyey looma furo irridaha samada mana galaan Jannada intuu ka galo riti irbad dulkeed saasaana ku abaal-marinnaa dambiilayaasha.
  4. Waxay ku mudan Jahannamo gogol korkoodana waxaa ahaan dabool, saasaana ku abaal-marinnaa daalimiinta.

 

Eebbe wuxuu ku odhan gaalada maalinta Qiyaame, “La gala Naarta ummado idinka horreeyey oo jinni iyo insiba leh, markay Naarta galaanna inay is-nacladaan, iyagoo sheegi inay dhumiyeen kuwaasu oyna warsan Eebbe inuu u laablaabo cadaabka, dhammaantoodse waa loo laablaabi cadaabka, kan wax dhumiyey iyo kan la-dhumiyeyba mase, oga, calaacal iyo qaylana wax uma tarto, kuwa beeniyey aayaadka Eebbe oo iska-kibriyeyna cirka looma furo Jannana ma galaan inta riti ka galo irbad dulkeed, waana abaalka dambiilayaasha, Jahannamaana hoos iyo korba ka jiri taasoo ah abaalka daalimiinta. Waxaana kusoo arooray nafta fiican iyo tan xun xadiith dheer oo sheegi in tan fiican loo furi samada lana soo dhaweyn, tan xunna laga xidhi samada iyadoo suudh xun leh. Eebbaana ka magan gallay xumaan. Al-Acraaf (38-41)

 

  1. Kuwa rumeeyey Xaqa oo falay camal fiican, kuma mashaqaynno naf waxayna karin, kuwaasu waa Jannada ehelkeeda wayna ku dhex waari.
  2. Waxaana ka siibnaa waxa ku jira laabtooda oo xasad ah, waxaana dareeri hoostooda wabiyadii, waxayna dhahaan, “Mahad waxaa mudan Eebbaha nagu hanuuniyey kan [wanaagga] maanaan hanuuneen haddaan Eebbe na hanuunin, waxay la timid Rasuulladii Eebbaheen Xaq,” waxaana loogu dhawaaqay, “Tiinnani waa Jannadii laydin dhaxalsiiyey camalkiinna dartiis.”

 

Markuu Eebbe sheegay kuwii xumaa wuxuu raaciyey kuwii liibaanay, waana kuwa Xaqa rumeeyey ee camal fiican falay, kuwaasoo ku waari Jannada, oo wanaag ku dhan yahay, isagoo laga daahiriyey xumaan iyo xasadba, kuna mahadin Eebbahooda hanuuniyey, illeen cid aan Eebbe hanuunin ma toosee, waxayna qiri in Rasuulladii Eebbe Xaq la yimaadeen, waxaana loogu dhawaaqi inay galaan Jannada iyagoo ku dhaxli camalkoodii fiicnaa dartiis. Waxaa xadiith ku sugnaaday in markay mu‘miniintu ka nabadgalaan Naarta lagu joojin meel u dhaxaysa Jannada iyo Naarta, markaasaa laysu qisaasi waxay isku dulmiyeen adduunkii, markii la daahiriyo yaa loo idmi inay galaan Jannada. Wuxuuna Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ku dhaartay in mid kasta ka garan ogyahay gurigiisa Jannada in ka badan kii addunka. Waxaa wariyey Bukhaari. Al-Acraaf (42-43)

 

  1. Waxay u dhawaaqaan ehlu-Jannuhu ehlu-Naarka, “Waan hellay wixii Eebbe noo yaboohay si dhab ah ee idinku ma hesheen wuxuu idiin yaboohay Eebbe si dhab ah?” Waxayna dhahaan, “Haa,” waxaana ka dhawaaqa dhexdooda mid dhawaaqa, “Lacnadda Eebbe haku dhacdo daalimiinta.”
  2. “Ah kuwa ka celiya dadka Jidka Eebbe lana doona qallooca, iyagoo Aakhiro ka gaaloobay.”
  3. Dhexdoodana waxaa ahaan xijaab acraafkana [meel sare] waxaa ahaan dad ku garan cid kasta calaamaddooda, waxayna u dhawaaqaan ehlu-Jannaha iyagoo ku leh, “Nabadgalyo korkiinna ha ahaato,” mayna galin Jannada wayse damci.
  4. Markii loo jeediyo wajigooda xagga ehlu-Naarka waxay dhahaaan, “Eebbow hana yeelin la-jirka daalimiinta.”

 

Ehlu-Jannuhu wuxuu la hadli ehlu-Naarka iyagoo warsanaya inay heleen wixii Eebbe ugu goodiyey ee ciqaab ahaa, iyaguna way heleen wixii wanaag ahaa ee Eebbe u yaboohay, waxayna ugu jawaabeen inay heleen, markaasaa dhexdooda lagu dhawaaqay lacnadu haku dhacdo daalimiinta dadka ka leexiya Jidka Eebbe oo qallooca la rabta, Aakharana ka gaalobay, waxaana u dhaxeeya xijaab, acraafkana waxaa ah dad ku garan cid kasta calaamaddeeda, waxayna ugu dhawaaqaan ehlu-Jannaha, “Nabadgalyo korkiinna ha ahaato,” waana dad aan wali galin Jannada doonahayase, haddii loo jeediyo xagga ehlu-Naarkana waxay dhahaan, “Eebbahanow hana yeelin la-jirka daalimiinta.” Aayaduhuna waxay caddayn sida loo kala bixi maalinta Aakharo, cid walbana ay u heli wuxuu Eebbe ugu yaboohay una camal falay, wax isku qasanna uusan u jirin, Eebbana waa kariim caadil ah awoodna badan (Eebbaana kariima). Al-Acraaf (44-47)

 

  1. Waxay u dhawaaqayaan dadka acraafku dad ay ku garan calaamaddooda, waxayna ku odhan, “Waxba idiinma tarin badnaantiinnii [kulankiinnii] iyo waxaad isku kibrinayseen.”
  2. Ma kuwanaa kuwaad ku dhaarateen inaan Eebbe gaadhsiinayn [siinayn] naxariis [waxaana lagu odhan], “Gala Jannada idinkoon cabsi iyo walbahaar midna arkayn.”
  3. Waxay u dhawaaqi ehlu-Naarku ehlu-Jannaha [iyagoo dhihi] “Noogu soo deeqa biyaha ama waxa Eebbe idinku arzaaqay,” waxayna dhahaan, “Eebbe wuu ka xarrimay labadaas gaalada.”
  4. Ee ah kuwa ka yeeshay diintooda madadaalo iyo ciyaar, oyna dhagartay nolosha adduunyo, maanta wuu ku dayn Naarta siday u halmaameen la-kulanka maalintan, iyo diiddadooda aayaadkannaga dartiis.

 

Waxayna u dhawaaqaan dadka acraafku dad ay ku garan calaamaddooda oy kuna dhihi, “Waxba idiinma tarin waxaad kulminayseen iyo waxaad kasbanayseen waana kuwaas kuwaad ku dhaaranayseen inuusan Eebbe siinayn naxariis,” waxaana lagu odhan, “Gala Jannada idinkoon cabsi iyo murugo midna arkayn,” waana dadkii rumeeyey Xaqa, waxaase dhawaaqay ehlu-Naarkii (Eebbaan ka magan-galaye) iyagoo ku dhihi ehlu-Jannaha, “Biyaha wax naga siiya oo noogu deeqa, iyo waxa Eebbe idinku arzaaqay,” waxayna dhahaan, “Eebbaa ka xarrimay gaalada ka yeeshay diintooda madadaalo iyo ciyaar, oyna dhagartay nolosha adduunyo, maalinta Qiyaamana waxaa lagu dhex dayn Naarta siday u halmaameen la-kulanka maalintaas, aayaadkana u diideen.” Al-Acraaf (48-51)

 

  1. Dhab ahaan baannu ugula nimid Kitaab aannu caddaynay annagoo ku cilmi leh, isagoo hanuun iyo naxariis u ah ciddii rumayn.
  2. Miyey sugi waxaan ahayn wuxuu sheegi Qur’aanku? Maalintuu yimaado wuxuu sheegi Qur’aanku waxay odhan kuwii horay u halmaamay [kuna camal-falin] waxay la timid Rasuulladii Eebbe Xaq, ee ma jiraa shufaco hanoo shafeeceene, ama ma nala celin inaan fallo waxaan ahayn waxaan fali jirray, waxay khasaariyeen naftooda waxaana ka dhumay waxay been-abuuran jireen.
  3. Eebbihiin waa kan ku abuuray samooyinka iyo dhulka lix maalmood kuna istawooday Carshiga, wuxuuna ku daboolaa habeenka maalinta wuuna doonaa habeenku si degdega qorraxda, dayaxa iyo xiddigahana waxaa loo sakhiray amarka Eebbe, Eebbaana abuuridda iyo amarkaba iska leh, waxaana waynaaday [oo khayr batay] Eebbaha barbaariya caalamka.

 

Eebbe wuxuu soo dejiyey Kitaabka Qur’aanka ah oo cad, wanaagna ku dhan yahay, gaalase waxay xaqiiqada dhabta ah ogaan markuu u yimaado wuxuu sheegi oo xaq ah, waxaana khasaari ciddii iska nacday oon ku camal-falin oo iska halmaantay, waxayna ku calaacali inay Rasuulladii Eebbe Xaq ula yimaadeen, yaase u shafeeci ama u celin adduunkii si ay camal fiican u falaan. Aayadda kale waxay ka warrami awoodda Eebbe iyo siduu u abuuray cirka, dhulka, qorraxda, dayaxa, iyo xiddigahaba, uguna sugnaaday abuuridda iyo amarkuba, waana Eebaha wayn ee khayrka badan caalamkana Eebbe u ah. Aayaddana kama muuqdo wax Eebbe khalqigiisa ku dhaweeya, Jidka Xaqa ah ee toosanna waa in la raaco jidkii hore ee suubbanaa. Wuxuu yidhi Nucaym binu Xamaad sheekhii Bukhaari, “Ciddii Eebbe u ekaysiisa dadka wuu gaaloobay, ciddii diidda wax Eebbe isku tilmaamayna wuu gaaloobay, wuxuu Eebbe isku sheegay ama Rasuulkiisu ku tilmaamay u ekaysiin ma leh,” waana in Eebbe xumaan laga dheereeyo wanaagna lagu tilmaamo. Al- acraaf (52-54)

 

  1. U barya Eebbihiin si khashuuc ah iyo qarsoodi illeen Eebbe ma jecla kuwa xad-gudbee.
  2. Hana fasaadinina dhulka inta la wanaajiyey kadib, baryana Eebbe cabsi iyo doonidba naxariista Eebbana waxay u dhawdahay kuwa samaha fala.
  3. Eebbe waa kan u dira dabaysha bishaaro naxariistiisa [roobka] hortiisa markay xambaarto daruur culusna waxaan u kaxaynaa dhul dhintay [abaar] waxaana ku dejinaa [shubnaa] biyaha, waxaana kusoo bixinnaa midho kasta, saasaana usoo bixinnaa wixii dhintay inaad xusuusataan.
  4. Dhulka fiican wuxuu kusoo baxaa dooggiisu idinka Eebbe, midka xunna waxaan dhib ahayn kumasoo baxo, saasaan ugu caddaynaa aayaadka ciddii ku shukrin Eebbe.

 

Eebbe waa in loo baryaa si habboon, dhulka waa in wanaag lagu joogaa oon la fasaadin inta Eebbe wanaajiyey kadib, Eebbe waa in lagu xidhnaado illeen naxariistiisu waxay u dhawdahay sama-falayaashee, wuxuu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ku yidhi asxaabta, “Dadyahow u-dhimriya naftiinna idinku uma dhawaaqaysaan Eebbe dhaga-la’ ama maqane, Eebbahaad baryeysaan waa maqle dhaw. Aayadaha kale waxay ka warrami sida Eebbe ugu nicmeeyey addoomadiisa roobna ugu keeno, uguna nooleeyo dhul dhintay, uguna soo bixiyo doog iyo barwaaqo si ay calaamo ugu noqoto awoodda Eebbe iyo inuu soo nooleyn karo wixii dhintay, dadkuna waxay lamid yihiin dhulka oo midna khayr baa ka imaan oo Xaquu raaci sida dhul roob wax kasoo saaray, midna waa Xaq-diide sida dhul xun oon wax soo dhalinayn, taasina dadkaa loo caddayn inay wax gartaan. Al-Acraaf (55-58)

 

  1. Waxaan u dirray [Nabi] Nuux qawmkiisii, wuxuuna ku yidhi, “Qawmkayow caabuda Eebbe idiinma sugna Eebbe kasoo hadhaye, anugu waxaan idiinka cabsan cadaab maalin wayn.”
  2. Waxay dheheen madaxdii qawmkiisa kamid ahayd, “Waxaan kugu aragnaa baadi cad.”
  3. Wuxuuna yidhi, “Qawmkayow baadi kuma sugni waxaanse ahay Rasuul Eebbaha caalamka.”
  4. “Waxaana idiin gaadhsiin farriinta Eebbahay waana idiin naseexayn, waxaana ka ogahay xagga Eebbe waxaydaan ogayn.”
  5. “Ma waxaad la yaabteen inuu u yimaado nin idin kamid ah xuska Eebbihiin si uu idiinku digo iyo inaad dhawrsataan laydiinna naxariisto?”
  6. Wayse beeniyeen waxaana ku korinnay Nuux iyo intii la jirtay doontii waxaana maanshaynay kuwii beeniyey aayaadkannaga, illeen waxay ahaayeen qawm indha-la’ [Xaqa arkayn].

 

Qur’aanku wax badan yuu ka warramay Nabi Nuux iyo Nabiyada kalaba, siday Xaqa u gaadhsiiyeen dadkii iyo siday u beeniyeen, iyagoo Nabiyadu nasteex u ah qawmkoodii, iyaguna ka madax-adaygi, waxaase loo baahan yahay in lagu waano-qaato, Xaqana la raaco, maxayse noqotay cidhibtii qawmkii Nabi Nuux in la halaago oo biyo iyo duufaan lagu maansheeyo, Nabi Nuux iyo intii raacdayna ay nabad-galaan oo u-hadhaan dhulkii iyagoo doon koray. Maxamed binu Isxaaq wuxuu yidhi, “Nabi Nuux wuxuu la kulmay cid la kulantay ma jirto Nabi la dilay mooyee.” Ibnu Cabbaasna wuxuu yidhi, “Qawmkii Nabi Nuux waa qawmkii ugu horreeyey ee caabuda sanam.” Ujeeddadu waa in Xaqa la raaco, xumaantana laga leexdo si loo liibaano. Al-Acraaf (59-64)

 

  1. Waxaan u dirray Caadna walaalkood [Nabi] Huud wuxuuna yidhi, “Qawmkayow caabuda Eebbe idiinma sugna eebbe kasoo hadhay, miyeydaan dhawrsanayn?”
  2. Waxay dheheen madaxdii gaalowday oo qawmkiisa kamid ah, anagu waxaan kugu aragnaa safaaho [xumaan] waxaana kuu malaynaynaa beenaalayaasha.
  3. Wuxuuna yidhi, “Qawmkayow safaaho [xumaan] imahayso waxaanse ahay Rasuul Eebbaha caalamka.”
  4. “Waxaana idin gaadhsiin farriinta Eebbahay waxaana idiin ahay nasteex aamin ah.”
  5. “Ma waxaad la yaabteen inuu u yimaaddo xuska Eebbihiin nin idin kamid ah inuu idiin digo? Xusuusta markuu idinka yeelay Eebbe kuwa u hadhay [dhulka] qawmkii [Nabi] Nuux kadib, idiinna kordhiyey xoog, ee xusuusta nicmada Eebbe, waxaad u dhawdihiin inaad liibaantaane.”

 

Sidoo kale wuxuu Eebbe u diray Caad Nabi Huud, waana Caadkii hore, wuxuuna ku waaniyey inay Eebbe kaliya uun caabudaan, dhawrsadaanna illeen eebbe kale ma lehe, madaxdiise way gaaloobeen oo diideen Xaqii oo xumaan iyo caqli yari ku sheegeen Nabigii, wuxuuse u sheegay inuusan caqli xumayn, ee uu yahay Rasuul Eebbaha caalamka, gaadhsiinna farriinta Eebbe yahayna nasteex aamin ah, oyna habboonayn inay la yaabaan in waxyi lagu soo dejiyo nin kamid ah inuu u digo, wuxuuna xusuusiyey in Eebbe ka yeelay kuwo kasoo hadhay kana dambeeya qawmkii Nabi Nuux, xoogna Eebbe u yeelay, oyna waajibna ku tahay inay xusuustaan nicmooyinka Eebbe, inay liibaanaan. Taasina waxay ku tusin inay Xaqa iyo xumaantu dagaallamaan had iyo jeer, wanaagguna hadho xumaantuna tirtiranto. Taasoo muujin in Xaqa lagu sugnaado, xumaantana laga leexdo. Al-Acraaf (65-69)

 

  1. Waxay dheheen, “Ma waxaad noola timid inaan caabudno Eebbe kaliya, oon ka tagno waxay caabudayeen aabbayaalkanno? Noo keen waxaad noogu gooddiyeysay haddaad runle tahay.”
  2. Wuxuu yidhi, “Waxaa idinkaga dhacaya xagga Eebbe cadaab iyo cadho. Ma waxaad igula murmaysaan magacyo ood magacowdeen idinka iyo aabbayaalkiin oon Eebbe usoo dejinin xujo, suga anna waan idinla sugiye.”
  3. Markaasaan korinnay isaga iyo intii la jirtay naxariistannada darteed, waxaana goynay cidhibta kuwa beeniyey aayaadkannaga, mana ayan rumayn [Xaqa].

 

Nabi Huud iyo Nabiyada kalaba waxay la yimaadeen in Eebbe kaliya la caabudo, hase yeeshee way la yaabeen gaaladii Caad, waxayna diideen inay ka tagaan waxay aabbayaalkood caabudi jireen, waxaase ku dhacay ciqaab iyo cadho Eebbe, illeen cilmi-la‘aan yey ku murmeen Eebbe iyo Xaqiiye, waxaana la cidhib-tiray intii beenisay Xaqa ee gaalada ahayd, sidii lagu halaagayna waxaa caddeeyey aayado kale oo badan, oo tilmaami sidii loo halaagay markay kibreen oo Xaqii beeniyeen, taasuna waa u-digid ciddii marta waddadoodii, oo Xaqa ka madax-adaygta, cid xoog iyo tabar ku faani kartana ma jirto illeen dad waa miskiin tabar-yar ee. Al-Acraaf (70-72)

 

  1. Waxaan u dirray Thamuudna walaalkood [Nabi] Saalax, wuxuuna yidhi, “Qawmkayow caabuda Eebbe wax kasoo hadhay Eebbe idiinma sugnee, waxaa idiinka timid xagga Eebbe xujo [cad] tanna waa hashii Eebbe, waxayna idiin tahay calaamo, ee iska daaya haka cunto dhulka Eebbe hana ku taabanina xumaan oo markaas idin qabto cadaab daran.”
  2. “Xusuusta markuu idinka yeelay [Eebbe] kuwo baddalay Caad kadib idin dajiyeyna dhulka idinkoo ka yeelay dooxyaheeda daaro, ood kana qoranaysaan buuraheeda guryo, xusuusta nicmooyinka hana fasaadinina dhulka.”
  3. Waxayna ku dheheen madaxdii is-kibrisay oo qawmkiisa kamid ah kuwii tabarta-yaraa oo rumeeyey, “Ma waxaad ogtihiin in Saalax laga soo diray xagga Eebbe?” Waxayna dheheen, “Annagu waxa lagu diray waan rumaynay.”
  4. Waxayna dheheen kuwii is-kibriyey, “Annagu waxaad rumeyseen waan ka gaalownay.”

 

Reer Thamuud waxay ahaayeen qawm Carab ah oo loo soo diray Nabi Saalax, wuxuuna faray inay Eebbe kaliya caabudaan una sheegay in hasha loo soo diray ay calaamo u tahay, oyna nabad-galiyaan, xusuustaanna nicmooyinkii Eebbe, dhulkana ayan fasaadin, waxaase is-kibriyey sidii caadada ahayd kuwii madaxda ahaa, iyagoo warsan warsi xun in Nabi Saalax laga soo diray, waxayna caddeeyeen inay diideen waxa lagu soo diray Nabi Saalax, mu‘miniintiise waxay caddeeyeen inay Xaqa rumeeyeen, saas darteed waa inaan cidna is-moodin inay iyadu Xaqa ka sarrayso ama awood leedahay, illeen Xaqaa mudan in la raacee. Al-Acraaf (73-76)

 

  1. Waxayna dileen hashii waxayna ka madax-adaygeen amarkii Eebbahood, waxayna dheheen, “Saalaxow noo keen waxaad noogu gooddiyeyso haddaad tahay mid lasoo diray.”
  2. Waxaana qabtay gariirkii waxayna ahaadeen kuwo guryahoodii ku dhintay.
  3. Wuxuuna ka jeedsaday [Nabi Saalax] xaggooda wuxuuna yidhi, “Waan idin gaadhsiiyey farriintii Eebbahay waana idiin naseexeeyey mase jeclidiin nasteexa.”

 

Waxay caddayn aayaduhu inay dileen hashii, inkastoo la sheegay in nin kaliya dilay haddana waxay aayaddu sheegtay in dhammaan wax ka dileen illeen raalli bay ka ahaayeen dilkeedee, waxayna ku dambeeyeen in dhul-gariir lagu halaagay, oy guryahoodi ku bakhtiyeen, Nabi Saalaxna wuxuu sheegay inuu ku dadaalay siday Xaqa u rumayn lahaayeen uguna naseexeeyey mase jeclayn kuwa naseexeeya. Taasina waxay caddayn in ciddii Xaqa iyo naseexada diidda ay la kulmi ciqaab iyo halaag, waxaa kale oo ay ku tusin inay waajib tahay in Jidka Toosan la raaco, xumaantana laga leexdo. Al-Acraaf (77-79)

 

  1. Xusuuso [Nabi] Luud markuu ku yidhi qawmkiisii, “Ma waxaad la imaanaysaan xumaanta uusan idiinka hor-marin ruux caalamka kamid ah?”
  2. “Idinku waxaad u-tagaysaan ragga hunguriyeyn darteed haweenka ka-sokow, waxaadse tihiin qawm xad-gudbay.”
  3. Waxayna ahayd jawaabtii qawmkiisa, “Ka bixiya Luud iyo inta rumaysay magaaladiinna waaba dad is-daahirinayee.”
  4. Waana korinnay Luud iyo ehelkiisa haweenaydiisii mooyee oo kamid noqotay kuwa halaag ku hadhay.
  5. Waxaana kusoo daadinnay roob [Naareed] bal day siday noqotay cidhibtii dambiilayaasha.

 

Qawmkii Nabi Luudna waxay ahaayeen kuwa akhlaaq xun, oo haweenka ka leexda oo ragga aada, markuu ka waaniyeyna waxay is-fareen in Luud iyo inta rumaysay laga bixiyo magaalada, iyagoo ku caayey inay yihiin kuwo nadiif ah, Eebbaase halaagay, nabadna galiyey Nabi Luud iyo intii rumaysay. Waxaadna halkaas ku aragtaan in marka akhlaaqdu xumaato ay dadka iskaga darman wanaagga iyo xumaantu. Goormayse nadaafaddu ceeb noqotay, waana wax la-yaab leh in wanaag laysku caayo. Qataadana wuxuu yidhi, “Way caayeen ceeb-la‘aan.” Al-Acraaf (80-84)

 

  1. Madyanna waxaan u dirnay walaalkood [Nabi] Shucayb wuxuuna yidhi, “Qawmkayow caabuda Eebbe idiinma sugna eebbe kasoo hadhaye, waxaa idiinka timid xagga Eebbe xujee, dhammaystirana miisidda iyo miisaanka, hana ka nusqaaminina dadka waxooda, hana fasaadinina dhulka wanaajin kadib, saasaa idiin khayr-roon haddaad mu’miniin tihiin.”
  2. “Hana fadhiisanina jid kasta idinkoo gooddin oo ka celin dadka jidka Eebbe ciddii rumaysa idinkoo qallooc la dooni, xusuustana markaad yareydeen oo Eebbe idin badiyey, dayana siday noqotay cidhibtii fasaadiyaasha.”
  3. “Haddayse koox idin kamid ah rumaysay waxa laygu soo diray kooxna ayna rumeynin samra [suga] inta Eebbe ka kala xukmin dhexdeenna isagaa xaakim khayr-roon ah.

 

Waxaa lagu sheegay Madyan inay ahayd meel u dhaw magaalada Macaan ee Urdun, wuxuuna ka waaniyey Nabi Shucayb inayna nusqaaminin miisidda iyo miisaanidda, dadkana khayaamin, dhulkana ayan fasaadin wanaajin kadib, jidkana ayan fadhiisan iyagoo Xaqa dadka ka celin iyagoo qallooc la raba, iyagoo laga rabo inay xusuustaan sida Eebbe u badiyey iyagoo yaraa, haddayse kooxu rumaysay Xaqa midna beenisay hala sugo inta Eebbe ka kala xukumo illeen isagaa xaakim khayr-roon ah. Waxayna aayaduhu ku tusin xumaan falka qawmkaas, maxayse ka heleen oon ahayn waxa aayaduhu sheegi doonaan oo ciqaab daran ah? Al-Acraaf (85-87)

 

  1. Waxay dheheen madaxdii is-kibrisay oo qawmkiisii ah, “Waxaannu kaa bixin Shucaybow adiga iyo kuwa ku rumeeyey magaaladannada ama waxaad kusoo noqon diintanada,” wuxuuna yidhi, “Oo haddaan necebnahayna?”
  2. “Waxaan ku been-abuurannay Eebbe haddaan ku noqonno diintiinna inta Eebbe naga koriyey kadib, nagumana habboona inaan ku noqonno in Eebbe doono mooyee, illeen Eebbaa cilmigiisu waasac yahaye, waxaana talo-saarannay Eebbe, Eebbow nagu kala xukun dhexdannada Xaq adaa xaakim khayr-roon ahe.”

 

Aayadahan waxay ka warrami waxay la qaabileen Nabi Shuceyb iyo inta la jirtay oo mu‘miniinta ah, oyna ugu gooddiyeen inay ka eryi magaaladooda haddayna kusoo laaban diinta, ku-noqoshada diintoodana waxay ula jeedaan dadkii ka baxay ee raacay Nabi Shucayb iyo Xaqa illeen Nabi Shucayb marna diintooda ma haysane, ugu dambayntii way diideen mu‘miniintii warkii gaalada mar hadduu Eebbe ka koriyey, waxayna talo-saarteen Eebbahood kana baryeen inuu si xaq ah ku kala xukumo iyaga iyo gaalada Xaqa diidday, taasina waxay ku tusin inay waajib tahay in Xaqa lagu sugnaado laguna dhaganaado, Eebbana la talo-saarto isagaa xaakim caadil ahe oo cid walba marin waxay mudan tahaye. Al-Acraaf (88-89)

 

  1. Waxayna dheheen madaxdii gaalowday oo qawmkiisii kamid ah, “Haddaad raacdaan Shucayb waad khasaarteen.”
  2. Waxaase qabtay gariir waxayna ahaayeen kuwo guryahoodii ku dhintay [iyagoo lagdan].
  3. Kuwii beeniyey Shucayb waxaad mooddaa inayna ku nagaanin magaaladaas dhexdeeda, kuwii beeniyey Shucaybna iyaga un baa khasaaray.
  4. Markaasuu isaga jeedsaday oo yidhi, “Qawmkayow waan idin gaadhsiiyey farriintii Eebbahay waana idiin naseexeeyey ee sideen ugu walbahaari qawm gaala ah?”

 

Eebbe wuxuu ka warrami gaalnimadooda iyo madax-adaygooda iyo waxay dhex-dabaalan oo baadinimo ah, iyagoo isaga digay raacidda Nabi Shucayb oo ay khasaare ku sheegeen, waxaase qabatay gariir waxayna ku dhinteen guryahoodii waxaadna mooddaa inayna Xaq-diidayaashu ku nagaanin halkaan, khasaarana iyaga un buu ku dhacay, Nabi Shucaybna wuu isaga jeedsaday isagoo sheegay inuu gaadhsiiyey farriintii Eebbe una naseexeeyey uusanna u murgaynin, wax loo calaacalana ma aha cid intii Xaqa si cad loo gaadhsiiyey looguna sharraxay haddana diidda, dulmi, madax-adayg, Xaq-diiddo iyo dhibid dadka toosan iyo Xaqaba. Al-Acraaf (90-93)

 

  1. Magaalo kasta oon Nabi u dirraba waxaan ku qabannay ehelkeeda cudurro iyo dhibaato inay khushuucaan [oo baryaan Eebbe].
  2. Markaasaan u baddallaa meeshii xumaan [dhibka] wanaag [khayr] intay ka bataan oy dhahaan, “Waxaa taabtay aabbayaalkaanno dhibaato iyo farax,” markaasaan ku qabannaa kado iyagoon ogayn.
  3. Hadday dadka magaalooyinku rumeeyaan [Xaqa] oo dhawrsadaan waxaan ku furi lahayn korkooda [sii dayn lahayn] barakada samada iyo dhulka, wayse beeniyeen [Xaqii] waana qabannay waxay kasbanayeen dartiis.
  4. Miyey ka aamin-noqdeen dadka magaaladu inuu u yimaado dhibkannaga habeenkii iyagoo hurda?
  5. Miyeyse ka aamin yihiin dadka magaaladu inuu u yimaado dhibkannagu barqinkii iyagoo ciyaari?
  6. Ma waxay ka aamin-noqdeen dhibka Eebbe? Cid khasaartay yaa ka aamin-noqota ciqaabta iyo dhibka Eebbe.

 

Adduunku waa guri imtixaan, dadkana waxaa lagu imtixaamaa dhib iyo khayrba inay xusuustaan Eebbe, haddii kale wuxuu ku qaban Eebbe kado iyagoon ogayn, hadduu dadku toosnaado oo Xaqa raaco wuxuu Eebbe ugu deeqi lahaa khayr iyo barwaaqo, waxayse beeniyeen Xaqii waxaana lagu ciqaabay dambigooda dartiis, mana habboona in laga aamin-noqdo ciqaabta Eebbe illeen waxaa suurawda in ciqaabta Eebbe u timaaddo habeen ay hurdaan ama maalin ay ciyaari, illeen cid khasaartay un baa ka aamin-noqota oon xil iska saarin ka-dhawrsashada ciqaabta Eebbe. Waxaana xadiith ah, “Mu‘minka xaalkiisu waa khayr, hadday dhib ku dhacdo wuu samraa khayrna wuu u noqdaa, hadduu wanaag helana wuu mahdiyaa oo khayr u noqdaa.” Waana in saas loo gartaa xaalka Eebbana lagu tiirsanaadaa. Al-Acraaf (94-99)

 

  1. Miyeyna u caddaanin kuwa dhaxlaya dhulka ehelkiisa [halaaggiisa] kadib haddaan doonno waan qaban lahayn dambigooda dartiis, oon dabooli lahayn quluubtooda oyna wax maqlin.
  2. Taasi waa magaalooyinkii waxaana kaaga qisoonaynaa warkoodii, waxayna ula timid Rasuulladii xujooyin mana ayan rumayn beenintooda darteed horay, saasuuna u daabacaa Eebbe quluubta gaalada.
  3. Kama aanaan helin badankooda ballan, waxaanse ka hellay badankood iyagoo faasiqiin ah.

 

Eebbe wuxuu halaagaa ciddii isla-waynaata oo Xaqa beenisa, waxaase habboon in ciddij dhaxasha ay waajib tahay inuu toosnaado oo hanuunsanaado si ayna ugu dhicin ciqaabta Eebbe, sidii qawmkii Nabi Nuux, Nabi Huud, Nabi Saalax, Nabi Luud, iyo Nabi Shucayb, oo dhammaantood Nabiyadu ula yimaaddeen xujooyin cad, badankooduna Xaqii bay diideen, waxayna muteen in la daabaco quluubtooda faasiqiinna noqdaan, taasina waxay caddayn in Xaqa la raaco, lana digtoonaado, lana toosnaado. Al-Acraaf (100-102)

 

  1. Markaasaan la bixinnay [Nabi] Muuse aayaadkannaga xagga Fircoon iyo qawmkiisii wayna dulmiyeen [diideen] ee day siday noqotay cidhibtii mufsidiinta.
  2. Wuxuuna yidhi [Nabi] Muuse, “Fircoonow anagu Rasuul Eebbaha caalamkaan ahay.”
  3. “Waxaana dhab ah inaan Eebbe ka sheegayn waxaan Xaq ahayn, waxaana idiin la imid xujo Eebbihiin ee u-daa Banii Israa‘iil la-jirkayga.”
  4. Wuxuuna yidhi [Fircoon] “Haddaad la timid aayad keen haddaad run sheegi.”
  5. Markaasuu tuuray ushiisii markaasay soo baxday iyadoo mas cad ah.
  6. Wuxuuna siibay gacantiisii markaasay soo baxday iyadoo u cad dadka eegi.

 

Nabi Muuse wuxuu Eebbe u diray Fircoon iyo qawmkiisii isagoo aayado wata, wayse beeniyeen oo diideen, wuxuuna u sheegay Fircoon inuu Rasuul Eebbe yahay dhabna waxaan Xaq ahayn uusan sheegayn, xujana uu la yimid uuna warsaday inuu u daayo Banii Israa‘iil, wuxuuse codsaday Fircoon sidii caadada u ahayd inuu xujo keeno hadduu run sheegi, wuxuuse u muujiyey ushii oo mas noqotay iyo gacantiisa oo cad cudur-la‘aan. Qisaduna saasay ku socotaa inta laga halaago Fircoon iyo colkiisii xumaa. Al-Acraaf (103-108)

 

  1. Waxay dheheen madaxdii qawmkii Fircoon kamid ah, “Kani waa sixirrow aad u yaqaanna.”
  2. “Wuxuuna dooni inuu idinka bixiyo dhulkiinna ee maxaad faraysaan?”
  3. Waxayna dheheen, “Dib u-dhig [xaalkiisa] iyo walaalkiis una dir magaalooyinka kuwo soo kulmiya.”
  4. “Oo kuu keena sixir-badane kasta aadna u yaqaanna.”
  5. Waxayna u yimaadeen sixirlayaashii Fircoon waxayna dheheen, “Ujuuro ma leenahay haddaan annagu adkaanno?”
  6. Wuxuuna yidhi, “Haa, waxaadna noqonaysaan kuwa lasoo dhaweeyo.”
  7. Waxayna dheheen, “Muusow ama tuur ama aan tuurro.”
  8. Wuxuuna yidhi, “Tuura,” markay tuureenna waxay sixreen indhaha dadka wayna cabsi-galiyeen waxayna la yimaadeen sixir wayn.

 

Saasaad u aragtaa markuu dambiile Fircoon Xaqii beeniyey inuu madaxdii ka ag-dhawaydna ay ku raaceen beenintii iyagoo ku sheegi Nabi Muuse inuu dooni inuu dadka dhulka ka bixiyo taasoo ay rabeen inay dadka khaldaan, waxayna dadkii ku dheheen, “Wax na fara idinkaa idinka amar qaadanaynaaye,” waxayna u soo jeediyeen in la sugo Muuse iyo walaalkii, dadka lasoo kulmiyo cid kastoo sixir taqaanna timaaddo, wayna u yimaadeen Fircoon iyagoo warsan ujuuro hadday adkaadaan, wuxuuna ugu yaboohay ujuuro iyo waliba u-dhawaansho, waxayna tuureen wax ay indhaha dadka ku sixreen kuna cabsi-galiyeen oo wayn. Taasina waxay ku tusin xaalkii Fircoon iyo colkiisii ee xumaa khaldanaana. Al-Acraaf (109-116)

 

  1. Waxaana u waxyoonnay [Nabi] Muuse, “Tuur ushaada,” waxayna soo baxday inay cunto waxay dhoobdhoobeen.
  2. Waxaana sugnaaday Xaqii waxaana buray waxay falayeen.
  3. Waxaana lagaga adkaaday gaaladii halkaas, waxayna noqdeen iyagoo dullaysan.
  4. Waxaana loo riday sixirlayaashii sujuud.
  5. Waxayna dheheen, “Waxaan rumeynay Eebbaha caalamka.”
  6. “Eebbaha Muuse iyo Haaruun.”
  7. Wuxuuna yidhi Fircoon, “Miyaad rumeyseen Muuse idan ka hor? Arrintani waa dhagar aad ku dhagarteen magaalada si aad uga bixisaan xaggeeda dadkeeda, waad ogaan doontaan.”
  8. “Waxaan u-goyn gacmihiinna iyo lugahiinna is-dhaaf waana idin wadhi dhammaantiin.”
  9. Waxayna dheheen, “Xagga Eebbahannaa u noqonaynaa.”
  10. “Waxaad nagu nacayso oon ahayn inaan rumaynay aayaadka Eebbahanno ma jiro, markay noo timid, Eebbow samir naga buuxi na dilna annagoo Muslimiin ah.”

 

Waxaa sugnaaday Xaqii, xumaantiina waa burtay, gaaladiina waa laga adkaaday iyagoo dullaysan, sixirlayaashiina way rumeeyeen Xaqii, wuxuuse ku guulguulay Fircoon arrintaas, wuxuuna sheegay inay rumeeyeen Xaqa isagoon u idmin, wuxuuna ugu gooddiyey inuu ciqaabi oo goyn gacmaha iyo lugaha, wadhina, wayse calool-adaygeen Eebbana warsadeen samir iyo adkaysi illeen waxaan Xaqa rumayntiisa ahayn Fircoon kuma nicine, kuna oofsado Eebbe iyagoo Muslimiin ah. Waana kaas xaqa xumaan waligeed, waana kaas Fircoon iyo isla-waynidiisii, waana kaas Xaq oo lagu sugnaado iyo rumayn aayaadkiisa dhab ah. Al-Acraaf (117-126)

 

  1. Waxay dheheen madaxdii oo qawmkii Fircoon ah, “Ma ku dayn Muuse iyo qawmkiisa inay fasaadiyaan dhulka inuu ku daayo adiyo cibaadadaada [iyo Ilaahyadaada]?” Wuxuuna yidhi, “Waxaannu dili wiilashooda waxaannu dayn gabdhahooda annagaana ka sarrayna oo dullayn.”
  2. Muusana wuxuu ku yidhi qawmkiisa, “Kaalmaysta Eebbe, samrana dhulka Eebbaa iska leh wuxuuna dhaxalsiin cidduu doono oo addoomadiisa kamid ah, cidhibta [fiicanna] waxaa iska leh kuwa dhawrsada.”
  3. Waxayna ku dhaheen, “Waa nala dhibay kahor imaatinkaaga iyo kadib imaatinkaaga,” wuxuuna [Nabi Muuse] ku yidhi, “Waxay u dhawdahay in Eebbihiin halaago cadawgiinna oo dhulka idinku reebo si uu u eego waxaad fashaan.”

 

Madaxdii xumayd ee Fircoon ka ag-dhawayd waxay Fircoon u-jeediyeen arrin ah, “Ma waxaad dayn Muuse iyo qawmkiisa inay fasaadiyaan dhulka adna ay kuu daayaan ilaahyadaada?” Waxaana la sheegay in Fircoon lahaa ilaahyo uu qarsoodi ku caabudi jiray, wuxuuse ugu jawaabay waxay rabeen oo ah inuu layn wiilasha oo dayn gabdhaha inuu ku shaqaysto ee u rooni ma aha, wuxuuna ku faanay inuu Muuse iyo qawmkiisa ka adag yahay kana sarreeyo, waana faan jaahil aan wax garanayn. Nabi Muuse isagu wuxuu u jeedsaday xagga Eebbe wuxuuna faray qawmkiisa inay kaalmaystaan Eebbe samraanna ogaadaanna in dhulka Eebbe leeyahay una reebi cidduu doono oo addoomadiisa kamid ah cidhibta fiicanna ay yeelan kuwa dhawrsada, waxaase calaacalay qawmkiisii oo sheegay in mar kasta la dhibay, wuxuuna ku calool-adkaysiiyey inay u dhawdahay in Eebbe halaago cadowgooda oo dhulka iyaga u reebo imtixaan dartiis iyo inuu eego waxay falaan, wana taas Xaqa iyo xumaan, iyo mu‘min iyo gaal xaalkiisu. Al-Acraaf (127-129)

 

  1. Waxaan ku qabannay Fircoon ehelkiisii abaar iyo nusqaan midhaha inay wax xusuustaan.
  2. Hadduu wanaag u yimaado waxay dhahaan “Anaa leh tan [mudan],” hadday dhibaato ku dhacdana waxay sharaystaan Muuse iyo inta la jirta, baaskoodu wuxu uun jiraa Eebbe agtiisa, badankooduse ma oga.
  3. Waxayna dheheen, “Wax kasta oo aayad ah ood noola timaaddo inaad nagu sixirto anagu kuma rumaynayno.”
  4. Markaasaan ku dirray daad, ayax, injir iyo rah iyo dhiig aayaad cad iyagoo ah, wayna is-kibriyeen waxayna ahaayeen qawm dambiilayaal ah.
  5. Markuu ku dhacay korkooda cadaabku waxay dheheen, “Muusow noo bari Eebbahaa wuxuu kugula ballamay, haddaad naga fayddo cadaabka waannu ku rumayn, waxaana la diri [u dayn] la-jirkaaga Banii Israa’iil.
  6. Markaan ka faydnay cadaabkii tan iyo muddo ay gaadhayaan yey ahaadeen kuwo buriya [ballankii].

 

Eebbe wuxuu ku qabtay Fircoon iyo qawmkiisii abaar iyo beerihii oo ka nusqaamay bal inay waantoobaan, waxaase dhacday in marka wanaag u yimaadana ay sheegtaan inay mudan yihiin, haddii xumaani taabatana ay baasaystaan Nabi Muuse iyo inta la jirta, mase oga in dhibaatadu uga imaan xagga Eebbe, markaasay caddeeyeen warkii oo u sheegeen Nabi Muuse iyo dadkii rumeeyey wax kasta oo calaamad ah oo loo keeno inayna rumaynayn, markaasaa Eebbe ku sii-daayey daad, cayayaan, rah, ayax iyo dhiig oo ah calaamooyin cadcad, wayse iska-kibriyeen, waxayna noqdeen dambiilayaal, markuu dhibku ku dhacayna waxay u sheegeen Nabi Muuse in haddii dhibka laga faydo ay rumayn Xaqa, wayse beeniyeen ballankii. Taasina waxay ku tusin awoodda Eebbe iyo siduu wax u ciqaabo, iyo xumaanta gaalada iyo madax-adaygooda, waxaase habboon in Xaqa la raaco. Al-Acraaf (130-135)

 

  1. Waan ka aarsannay gaaladii waxaana ku maanshaynay badda illeen waxay beeniyeen aayaadkannaga, wayna halmaameen.
  2. Waxaana dhaxalsiinnay qawmkii ahaa kuwa lagu dullaysto bariga dhulka iyo galbeedkiis [Masar iyo Shaam] een barakaynay dhexdiisa, wayna u dhammaatay kalimadda [yaboohii] Eebbahaa ee wanaagsanaa Banuu Israa‘iil samirkoodii dartiis. Waxaana baabi‘innay wuxuu samaynayey Fircoon iyo qawmkiisii iyo waxay dhisayeeen.
  3. Waxaana tallaabinay Banuu Israa‘iil baddii waxayna u yimaadeen qawm ku nagi sanamyadoodii markaasay dheheen, “Muusow noo yeel ilaah siday iyaba Ilaahyo u yeesheen,” wuxuuna ku yidhi, “Idinku waxaad tihiin qawm jaahiliin ah.”
  4. Kuwaas waa lagu halaagi waxay ku sugan yihiin waana baadil waxay fali.

 

Eebbe wuxuu ka warrami in markay gaaladu madax-adaygeen Xaqii uu halaagay, baddana ku maansheeyey, Fircoon iyo qawmkiisiina saasay ku halaagsameen, waxaana dhulkii kusoo hadhay dadkii la dullaysan jiray, waxayna dhaxleen dhulkii barakaysnaa, waxaana la halaagay Fircoon iyo qawmkiisii iyo waxay dhisayeen, waxaase dhacay in kuwii jaahiliinta ahaa ee Banuu Israa‘iil ay warsadeen Nabi Muuse inuu ilaahyo u yeelo sida kuwa ay arkeen oo caabudayey sanamyo, una sheegay inay jaahiliin yihiin, waxay kuwaasu falina khasaare iyo baadil yahay, waxaa sugnaatay in dad u yimaadeen Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) kuna dhaheen, “Noo samee geed sida gaaladu u leedahay geed ay hubkana ku xoqdaan,” markaasuu yidhi, “Eebbaa wayn waa waxay ku dhaheen Banii Israa‘iil Nabi Muuse ‘Ilaah noo yeel siday Ilaah u leeyihiin,’ waxaad qaadaysaan jidkii kuwii hore, taasina waxay muujin in Xaqa layskaga daydo ee aan xumaan iyo dambi layska raacin layskagana dayanin. Al-Acraaf (136-139)

 

  1. Wuxuu yidhi ma wax Eebbe kasoo hadhay yaan ilaahnimo idiinka doonaa isagoo caalamkan [jooga] idinka faddilay.
  2. Xusuusta markaan idinka korinnay Fircoon dadkiisii iyagoo idin dhadhansiiyey cadaab xun, oo laynayey wiilashiinna daynayeyna gabdhihiinna, arrintaasna waxaa ku sugan ibtilo Eebbihiin xaggiisa ka ahaatay oo wayn.
  3. Waxaan u yaboohnay Nabi Muuse soddon habeen waxaana ku dhammaystirray toban, wuxuuna ku dhammaaday ballankii Eebbihiis afartan habeen, wuxuuna ku yidhi [Nabi] Muuse walaalkiis Haaruun “Iiga dambee qawmkayga wanaajina hana raacin jidka mufsidiinta.”

 

Wuxuu xusuusiyey Nabi Muuse qawmkii nicmooyinka Eebbe iyo siduu Fircoon uga koriyey isagoo wiilashana laynayey, gabdhahana daynayey si uu u dullaysto, markaasaa Eebbe u yaboohay Nabi Muuse Kitaabkii Tawreed, siiyeyna muddo afartan habeen ah si Eebbe la hadalkiisa ugu darbado, waxaana intaas lasii joogay dadkii walaalkiis Nabi Haaruun oo uu u dardaarmay inuu wanaajiyo dadka xumaanna ku raacin. Taasina waxay ku tusin in khayrka laysku baraarujiyo, illeen Haaruunba Nabi buu ahaaye. Al-Acraaf (140-142)

 

  1. Markuu u yimid [Nabi] Muuse ballankannagii oo la hadlay Eebbihiis wuxuu yidhi, “Eebbow i tus aan ku arkee,” wuxuuna yidhi Eebbe, “Ima arkaysid ee day buurta hadday meesheeda ku sugnaato markaasaad i arki, markuu Eebbe u daahiray buurtii wuxuu ka yee- lay burbur waxaana dhacay Nabi Muuse suuxdin darteed, markuu miyirsadayna wuxuu yidhi (Eebbow adaa) nazahan waan kuu tawbad-keenay waxaan ahay mu‘miniinta kan ugu horreeya [waqtigan] inaan adduunka lagugu [arkayn].
  2. Wuxuu yidhi Eebbe, “Muusow waxaan kaa doortay dadka [sabankan] diriddayda iyo la-hadalkayga dartiis ee qaado waxaan ku siiyey ahowna kuwa mahdiya.
  3. Waxaan ugu qorray alwaaxda wax kastoo wacdi iyo caddayn ah, ee ku qaado niyad-adag farna qawmkaaga inay qaataan, ha qaataan teeda fiican ee waxaan idin tusin guryihii faasiqiinta.

 

Nabi Muuse markuu ku yimid muddadii oo Eebbe la hadlay yuu ka baryey inuu arko, Eebbese sarreeye wuxuu u sheegay inuusan arkayn, markuu buurtii u daahiriyeyna ay burburtay, Nabi Muusana suuxay markuu miyirsadayna uu wayneeyey Eebbe oo nazahay, markaas Eebbe xusuusiyey siduu u doortay uuna faray inuu qabsado waxa loo waxyooday ee waanada iyo caddaynta ah, qawmkiisana faro inay aad u qabsadaan, wuxuuna tusay guryihii kuwii faasiqiinta ahaa ee la halaagay. Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Dadku way suuxi Qiyaamada anaana usoo hor miyirsan markaasaan arkaa nabi Muuse oo Carshiga haysta, marka ma ogi inuu hortay soo miyirsaday iyo inuu kamid yahay kuwa Eebbe kasoo reebay, taasina waxay ku tusin sharafta Nabigeenna iyo Nabi Muusaba, iyadoo nabiyaduba, sharaf wada leeyihiin. Al-Acraaf (143-145)

 

  1. Waxaan ka iilaa aayaadkayga kuwa isku kibriya dhulka xaq darro, hadday arkaan aayaad kasta ma rumeeyaan hadday arkaan jidka hanuunka kama yeeshaan waddo, hadday arkaan waddada baadidana waxay ka yeeshaan jid, waxaana ugu wacan inay beeniyeen aayaadkannaga oy ahaayeen kuwo halmaamay.
  2. Kuwa beeniyeen aayaadkannaga iyo la-kulankannaga Aakhiro waxaa buray camalyaalkooda miyaase laga abaal-mariyaa waxay camal-falayeen mooyee.
  3. Waxay ka yeesheen qawmkii Nabi Muuse gadaashiis jawhartoodii dibi cod leh, miyeyna arkaynin inuusan lahadlaynin kuna toosinaynin jid, way yeesheen iyagoo daalimiin ah.
  4. Markii gacmahooda lagu riday [nidaamoodeen] oy arkeen inay dhumeen waxay dhaheen, “Hadduusan noo naxariisan Eebbahanno oosan noo dambi dhaafin waxaan noqonaynaa kuwo khasaara.

 

Xaqa waxaa laga leexin kuwa is-kibriya oon Xaqa rumayn, hadday xumaan arkaanna raaci, illeen waxay beeniyeen oo halmaameen aayaadka Eebbe, kuwa beeniya aayaadka Eebbe iyo la-kulankiisana waxaa buri camalkooda. Sufyaan binu Cuyeyna wuxuu yidhi, “Waxaa laga siibay fahminta Qur’aanka markaasaa laga leexiyey.” Aayadaha kale waxay ka warrami in qawmkii Nabi Muuse intuu ka maqnaa ka yeesheen dibi waxay caabudaan, waana doqonnimo illeen wax ma taree, markay arkeen inay khasaareenna waxay sheegeen haddaan Eebbe u dhaafin una naxariisan inay dhab u khasaareen. Al-Acraaf (146-149)

 

  1. Markuu kusoo noqday Nabi Muuse qawmkiisii isagoo cadhaysan oo walbahaarsan wuxuu yidhi, “Waxaa xun waxaad iiga dambeyseen gadaashay, ma waxaad dadajisateen amarkii Eebbihiin?” Wuxuuna tuuray alwaaxdii wuxuuna qabtay madaxa walaalkiis isagoo xaggiisa u-jiidi, wuxuuna yidhi, “Ina-hooyow qawmku way i tabar-yaraysteen waxayna u dhawaadeen inay i dilaan ee ha igaga farxin colka hana iga yeelin la-jirka qawmka daalimiinta ah.”
  2. Wuxuuna yidhi [Nabi] Muuse, “Eebbow u dambi-dhaaf ani iyo walaalkay nana gali naxariistaada adaa naxariis badane ahe.”
  3. Kuwa yeeshay dibi waxaa gaadhi cadho Eebbahood iyo dulli nolosha adduunyo saasaana ku abaal-marinnaa been-abuurtayaasha.
  4. Kuwa falay xumaan markaas tawbad keenay intaas kadib oo rumeeyey Xaqa Eebbahaa intaas kadib waa dambi-dhaafe naxariista.

 

Markuu Nabi Muuse kusoo noqday qawmkiisii isagoo cadhaysan oo ka walbahaarsan waxay faleen wuxuu ku yidhi, “Waxaa xun waxaad iiga dambeyseen, ma waxaad dedejisateen amarkii Eebbe?” Wuxuuna cadho la tuuray alwaaxii, wuxuuna madaxa qabtay walaalkiis Haaruun oo uu ku dhaafay gadaashii wuuna jiiday. Markaasuu calaacalay oo ku yidhi, “Ina-hooyo madaxa hay qabanin, qawmkii way i liideen ina dili gaadheen ee colka ha igaga farxin, daalimiintana haygala mid dhigin.” Markuu ogaaday inuu walaalkii dambi-la‘aan yahay yuu u dambi-dhaaf warsaday naftiisa iyo walaalkiis. Waana abaalka been-abuurayaasha, ciddiise xumaan fasha oo tawbad-keenta oo Xaqa rumaysa Eebbe wuu u dambi-dhaafi. Abuu Qilaabo wuxuu yidhi, “Waxaa dulli mudan been-abuurte oo dhan.” Al-Acraaf (150-153)

 

  1. Markay cadhadu ka xasishay [Nabi] Muuse wuxuu qaatay alwaaxdii waxaana ku qorraa hanuun iyo naxariis u ah kuwa Eebbahood ka cabsan.
  2. Wuxuu ka doortay [Nabi] Muuse qawmkiisa toddobaatan nin ballankannaga dartiis, markay qabatay gariirku wuxuu yidhi, “Eebbow haddaad doonto waad halaagi lahayd horay iyaga iyo anigaba, ma waxaad noo halaagi waxay faleen sufaho naga mid ah? Waa imtixaankaaga ciddaad doontana waad dhumisaa kaad doontana waad hanuunisaa, adaa Wali noo ah ee noo dambi-dhaaf noona naxariiso adaa dambi-dhaafe khayr-roon ahe.”
  3. “Noona qor adduunyadan wanaag iyo Aakhiraba waannu kuu noqonaye,” wuxuu yidhi, “Cadaabkaygu wuxuu ku dhici ciddaan doono, naxariistayduna waxay u waasac noqotay wax kasta, waxaana u qori kuwa dhawrsada oo bixiya zakada iyo kuwa aayaadkaygana rumeeya.”

 

Markay cadhadii ka ba‘day Nabi Muuse wuxuu qaatay looxdii oo hanuun iyo naxariis ku qoran tahay, kuna waantoobi ciddii cabsan, wuxuuna doortay toddobaatan qawmkiisii kamid ah inay Eebbe u tawbad-keenaan, markuu gariirkii qabtayna wuxuu ku calaacalay in hadduu Eebbe doono uu halaagi lahaa mar hore, “Haddase ma waxaa naloo halaagi wax kuwo xun oo naga mid ah faleen? Eebbow waa imtixaamkaagii, ciddaad doontana waad dhumisaa taad doontana waad hanuunisaa, adaana Wali noo ah, ee noo dambi-dhaaf noona naxariiso, adaa dambi-dhaafe khayr-roon ahe, noona qor adduun iyo Aakharaba wanaag, waan kuu tawbad-keennaye,” wuxuuna u sheegay Eebbe inuu cadaabkiisu ku dhici cidduu doono, naxariistiisuna wax kasta u waasac tahay, khayrna mudan kuwa dhawrsada oo bixiya zakada, rumeeyana aayaadka Eebbe. Taasina waxay ku tusin waasacnimada naxariista Eebbe iyo in lagu dadaalo sidii loo heli lahaa. Al-Acraaf (154-156)

 

  1. Ee ah kuwa raaca Rasuulka Nabiga ah ee ummiga ah ee ah kay ka heleyeen isagoo ku qoran agtooda Tawreed iyo Injiil farana wanaagga kana reeba xumaanta una banneeya wanaagga [xalaasha] kana xarrima xumaanta [xaaraanta] kana dejiya culayskii iyo xadhkihii korkooda ahaa, kuwa rumeeyey Nabigaas oo qaddariyey oo u gargaaray oo raacay nuurka lagusoo dejiyey kuwaasu waa uun kuwa liibaanay.
  2. Waxaad dhahdaa, “Dadow anugu waxaan ahay Rasuulkii Eebbe ee xaggiinna dhammaan, waana Eebbaha iska leh xukunka samooyinka iyo dhulka, Ilaahay mooyee Eebbe kalana ma jiro isagaa wax nooleeya, waxna dila ee rumeeya Eebbe iyo Rasuulkiisa Nabiga ah ee ummiga ah ee rumeeyey Eebbe iyo malaa‘igtiisa raacana inaad hanuuntaan.”

 

Aayadahani waxay tilmaami Nabiga Muxamed ah (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) oo ah inuu wanaagga faro xumaantana ka reebo, xalaashana u banneeyo xaaraantana ka reebo, dhibka iyo culayskana ka fududeeyo, oy naxariista Eebbena mudan ciddii raacda, oo rumaysa, qaddarisa, u gargaarta, oo raacda Qur’aanka nuurka ah, inay liibaanto, waana Rasuul Eebbe usoo diray dadkoo dhan, oy waajib tahay in la raaco si loo hanuuno. Waana taas tilmaanta Nabiga, waxa dadka laga dooni inay falaan oo Xaq ah ciddaan indho-la‘ayn. Al-Acraaf (157-158)

 

  1. Waxaa kamid ah qawmkii [Nabi] Muuse ummad ku hanuunsanayd Xaqa kuna caddaalad falaysay.
  2. Waxaana u kala gaynay laba-iyo-toban farac oo ummadood, waxaana u waxyoonay [Nabi] Muuse markay waraab warsadeen qawmkiisii inuu ku garaaco ushiisa dhagaxa waxaana kasoo burqatay laba-iyo-toban ilood cid kastana waxay ogaatay meeshey ka cabbi lahayd, waxaana ku hadhaynay daruuro, waxaana kusoo dejinnay manna [macaan] iyo cunno, waxaana ku nidhi, “Ka cuna wanaaggaan idinku arzuqay,” mana ayan na dulmiyin waxayse dulmiyeen naftooda.
  3. Markii lagu yidhi, “Dega magaaladaa kana cuna meeshaad doontaan dhahana ‘Eebbow noo dambi-dhaaf,’ kana gala albaabka idinkoo sujuudsan aan idiin dhaafno dambigiinee una siyaadinno sama-falayaashee.”
  4. Waxayse ku baddaleen kuwii dulmi falay oo kamid ah hadal ka duwan kii loo yidhi [fala] waxaana ku dirray cadaab samada kaga yimid dulmigoodii dartiis.

 

Eebbeheen wuxuu inoo sheegay inuu qawmkii Nabi Muuse kamid ahaayeen dadka Xaqa raacay oo ku socday, kana yeelay Banii Israa‘iil qaybo midba meel ka cabto, Eebbana ugu nicmeeyey nicmooyin badan sidaan soo sheegnay horay ayse dulmi faleen, wanaaggiina xumaan ku baddaleen, taasina waa caadadooda xun ee Xaqa ka leexsan. Waxaase lagu abaal-mariyey ciqaab daran, ay waajib tahay in laga digtoonaado isagoo kale. Al-Acraaf (159-162)

 

  1. Warso [Yuhuud] magaaladii badda ku dhawayd [dadkeedii] markay xad-gudbayeen Sabtida, oo kalluunkoodu u imanayey maalinta Sabtida ah isagoo muuqda, maalintaan Sabti ahaynna uma timaaddo, saasaana ugu imtixaannaa faasiqnimadooda darteed.
  2. Ka warran markay tidhi ummad kamid ah, “Maxaad u wacdiyeysaan qawm Eebbe halaagi ama u cadaabi si daran,” waxayna dhaheen, “Waa Eebbe u-cudur-daarasho, iyo inay dhawrsadaan inay u dhawyihiin.”
  3. Markay halmaameen wixii lagu waaniyey waxaan korinnay kuwii xumaanta reebayey waxaana ku qabannay kuwii dulmiga falay cadaab xun faasiqnimadooda darteed.
  4. Markay ku madax-adaygeen wixii laga reebay yaan ku nidhi, “Noqda daanyeer dullaysan.”

 

Wuxuu Eebbe halkan kaga warramay Yuhuuddii degganayd magaalo badda ku dhawayd oo lagu sheegay magaceeda Aayla, markii dadkeedii xad-gudbeen oo kalluunka laga reebay maalinta Sabtida ah ay ugaadhsadeen markuu usoo muuqdo Sabtida, maalmaha kalana ka qarsoomo imtixaan dartiis, waxayna u-qaybsameen saddex qeybood: koox ugaadhsatay, mid ka reebtay xumaanta, iyo mid iska aamustay, kuna yidhi kooxdii wax reebaysay, “Maxaad u waaninaysaan dad Eebbe halaagi ama cadaabi?” Markaas ugu jawaabeen, “Inaan waajib gudanno yaannu u fali, ama ay dhawrsadaan,” markiise ay halmaameen waanadii yaa waxaa la koriyey kuwii xumaanta reebayey, waxaana cadaab lagu qabtay kuwii xumaanta falay, laguna yidhi, “Daanyeer dullaysan noqda.” Taasi waxay ku tusin waajibnimada xumaan-reebka iyo samo-farka, waxaana la sheegay in Yuhuuddu dabi jireen kalluunka maalinta Sabtida ah, markuu ku dhacana ay la baxaan maalinta dambe, taasina waxay ku tusin khayaamada iyo xumaanta Yuhuud. Tan kale waxaa laga aamusay kuwii aamusay, waxaana lays warsaday in la halaagay iyo in la nabad-galiyey, labadana waa la sheegay. Al-Acraaf (163-166)

 

  1. Xusuusta markuu Eebbe ogeysiiyey inuu usoo bixiyaa [Yuhuud] tan iyo Qiyaamaha cid dhadhansiisa cadaab xun, Eebbahaana ciqaabtiisu way degdegtaa, waana dambi-dhaafe naxariista.
  2. Waxaana ku kala-gaynay dhulka iyagoo ummada ah, kuwo suubban iyo kuwo kalaba waxaana ku imtixaannay wanaag iyo dhibba inay noqdaan.
  3. Waxaana baddelay kuwo xun oo dhaxlay Kitaabkii qaadanina muuqa adduunyadan dhaw, iyagoo dhihi, “Waa naloo dhaafi,” hadduu u yimaado muuqaal lamid ahna way qaataan, miyaan laga qaadin ballankii Kitaabka inayan Eebbe waxaan Xaq ahayn ku sheegin oyna akhriyin waxa dhaxdiisa ah, daarta Aakhiro yaana u khayr-roon kuwa dhawrsada ee miyeydan wax kasayn?
  4. Kuwa qabsada Kitaabka oo ooga salaadda annagu ma dayacno ajriga kuwa wax suubbiya [samo-fala].

 

Wuxuu Eebbe u-yaboohay Yuhuud in loo soo bixiyo tan iyo Qiyaamada dad dhadhansiiya ciqaab daran, Eebbana isagaa wax ciqaaba, naxariistana, waxaana lagu kala saydhay adduunka iyagoo kuwo roon iyo kuwo xunba lahaa, waana la imtixaamay bal inay waantoobaan, waxaase ka dambeeyey kuwaas kuwo adduunyada ka doortay Aakhiro inkastoo ballan laga qaaday waxaan run iyo Xaq ahayn inayna Eebbe ku sheegin, oy Kitaabkana bartaan, illeen daarta Aakhiro yaa u khayr-roon ciddii dhawrsan oo wax kasiye, ciddiise qabsata Kitaabka Xaqa ah iyo Xaqa dhabta ah oo salaadda oogta Eebbe ma dayaco ajriga sama-falaha. Waxayna ku tusin wanaag-ku-dadaalka. Al-Acraaf (167-170)

 

  1. [Ka warran] markaan ku kor-yeelnay buurtii, sidii isagoo hadhayn, una maleeyeen inuu ku dhici, kuna nidhi,”Ku qaata waxaan idin siinnay niyad adag, kuna waana-qaata waxa ku sugan si aad u dhawrsataan.”
  2. [Xusuuso] markuu Eebbahaa ka qabtay dadka dhabarkooda faracoodii uuna marag uga yeelay naftooda, kuna yidhi, “Miyaanaan Eebbihiin ahayn?” oy dhaheenna “Inaad Eebbahanno tahay yaan marag kacnay,” inaydaan dhihin maalinta Qiyaame, “Annagu waan halmaansanayn kan.”
  3. Ama aydaan dhihin, “Waxaa wax la wadaajiyey [Eebbe] aabbayaalkannagii mar hore annaguna waxaan nahay farac ka dambeeyey ee miyaad noo halaagi waxay faleen xumo-falayaal?”
  4. Saasaanu u caddaynaa aayaadka iyo inay u noqdaan Xaqa.

 

Eebbe wuxuu ku amray Banii Israa‘iil inay niyad adag ku qaataan Kitaabkii Tawreed, wuxuuna korkooda yeelay buur hadhaysay, haddayna aqbalinna lagu dabooli, waxaa kale oo la faray inay ku socdaan Tawreed si ay u dhawrsadaan. Aayadaha kalana waxay ka warrami in Eebbe Banii-Aadamka naftooda marag uga yeelay, warsadayna inuu Eebbahood yahay iyo in kale, oyna marag kaceen Ilaahnimada Eebbe, si ayna u-dhihin maalinta Qiyaame, “Waxaan halmaansanayn oo jaahil ka ahayn arrintan,” ama ayan u dhihin, “Waxaa Eebbe la wadaajiyey aabbayaalkanno annaguse waxaan nahay farac dambeeyey ee ma waxaa naloo halaagi waxay dad xun faleen?” Saasuuna Eebbe ugu caddeeyey aayaadka inay Xaqa u noqdaan. Taasina waxay muujin inaan dadka cudur-daar u hadhin iyo waxay ku calaacalaan. Waxaana la wariyey in Eebbe kulmiyey arwaaxda dadka ballanna ka qaaday inay rumeeyaan Xaqa, Eebbana u hoggaansamaan. Waxaana habboon Eebbe ka-yaabid, toosnaan iyo wanaag-jacayl. Al-Acraaf (171-174)

 

  1. Ku akhri korkooda warkii kii aan siinnay aayaadkannaga oo ka siibtay Shaydaanna uu raacay [isaga] noqdayna kuwa baadida ah.
  2. Haddaan doonno waannu kor-yeeli lahayn, hasa yeeshee wuxuu u iishay dhulka [adduunyo-jacayl] wuxuuna raacay hawadiisa, wuxuuna lamid yahay eey haddaad erido wuu lalmin carrabka, haddaad deysana wuu lalmin, saasna waa masalka qawmka beeniyey aayaadkannaga ee uga warran qisooyin inay waantoomaan.
  3. Waxaa tusaale u xun qawmkii beeniyey aayaadkannaga, naftoodana waxay ahaayeen kuwo dulmiya.
  4. Ciddii Eebbe hanuuniya un baa hanuuni, cidduu dhumiyana waa uun kuwa khasaaray.

 

Say dooni ha ahaatee waxay ka warrami aayadahani cid cilmi la baray oo addunyo ka doortay, Xaqana ka leexday, noqdayna baadi, oyna ku habboonayd inuu ku hanuuno, wuxuuse jeclaaday adduunyada, wuxuuna raacay hawadiisa xun, wuxuuna lamid yahay eey had iyo jeer carrabka lalmin, waana sidaas ciddii beenisa Xaqa iyo aayaadka Eebbe, ayna habboon tahay in dadka looga warramo inay waantoomaan, tusaale iyo dadna iyagaa u xun, illeen waxay beeniyeen aayaadka Eebbe, waxayna dulmiyeen naftooda, ciddii Eebbe hanuuniyo yaa hanuuni, tuu dhumiyana wuu dhumi, taasina waxay ku tusin xumaanta cid Eebbe cilmi baray oon ku socon, Xaqana raacin, adduunyana u xishay, cidday dooni ha noqotee, ama Banii Israa‘iil ama Carabtii ama cid kasta, Eebbana wuxuu uun dadka ka dooni wanaag, Xaq-raac, iyo toosnaan dhab ah. Al-Acraaf (175-178)

 

  1. Waxaan u abuurnay Jahannamo wax badan oo jinni iyo insiba leh, waxayna leeyihiin quluub ayna wax ku kasayn, waxayna leeyihiin indho ayna wax ku arkayn, waxayna leeyihiin dhago ayna wax ku maqlayn, kuwaasina waa xoolo oo kale, waana kasii dhunsan yihiin, kuwaasina waa uun kuwa halmaansan.
  2. Eebbe waxaa u sugnaaday magacyo wanaag badan, ee ku barya, iskagana taga kuwa leexin magacyadiisa, waxaannu ka abaal-marin waxay camal falayeen.
  3. Waxaa kamid ah waxaan abuurnay ummad ku hanuunsan Xaqa, kuna socon.

 

Eebbe isagaa abuuray Jahannamo (Eebbaan ka magan-galnaye) wuxuuna u ballan-qaaday inuu jinni iyo insi ka buuxiyaa, maxaa yeelay wax ma kasayaan, xubnaha Eebbe siiyey ee ah: qalbiga, indho iyo dhago toona kuma intifaacayaan, waana xoolo oo kale iyo kasii daran, waana kuwo halmaamay Xaqa. Tan kale Ilaaheenna Wayn wuxuu leeyahay magacyo wanaag badan oyna habboon tahay in lagu baryo, lagana fogaado kuwa leexin magaca Eebbe oo ka yeeli wuxuusan raalli ka ahayn, oo ah beenin, leexin, si xun u-fasirid iyo wax kastoo wax u dhimi, waana la abaal-marin kuwaas. Waxaase jirtay dad hanuunsan oo Xaqa ku socda, siduu Rasuulku yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Lama waayo koox ummaddayda ah oo Xaqa ku taagan oo muuqda wax dhibi karana uusan jirin inta Qiyaamadu ka timaaddo.” Waxaa wariyey Bukhaari. Al-Acraaf (179-181)

 

  1. Kuwa beeniyey aayaadkannaga waxaannu ka qaban meel ayna ogayn.
  2. Waana sugi kaydkaygu [awooddayduna] waa daran tahay.
  3. Miyeyna fikirin inaan saaxiibkooda [Nabiga] waalli hayn, waxaan dige cad ahayna uuna ahayn?
  4. Miyeyna dayin xukunka samooyinka iyo dhulka, iyo waxa Eebbe abuuray oo wax ah, iyo inay mudan tahay inay dhawdahay ajashoodu, hadalkayse Qur’aanka kadib rumayn?
  5. Cidduu dhumiyo Eebbe wax hanuunin ma leh. Wuxuuna kaga tegi xad-gudubkooda iyagoo ku wareersan.
  6. Waxay ku warsan saacadda [Qiyaame] markay sugnaan, waxaad dhahdaa, “Ogaanshaheedu waa Eebbahay agtiisa, waqtigeeda wax muujin kara oon Eebbe ahayn ma jiro, waxay ku cuslaatay samooyinka iyo dhulka, waxaan kado ahaynna idiinkuma timaaddo.” Waxay ku warsan saacadda sidii adoo og, waxaad dhahdaa, “Ogaanshaheedu waa uun Eebbe agtiisa dadka badankiisase ma oga [xaalkaas].

 

Xaq-beeniye Eebbaa siduu doono u ciqaabi, in xoolo iyo nolol lagu imtixaamana waa dhici kartaa, Eebbana wuu sugi markuuse qabto ciqaabtiisu way daran tahay, waana inay gaaladu fikirto inaan Nabigu waallayn, ee dige cad uun yahay, hase eegeen mulkiga iyo xukunka Eebbe samooyinka iyo dhulka, waxa Eebbe abuuray, waxaana laga yaabaa inay ajashoodu dhawdahay, maxayse rumayn Qur’aanka kadib? Cidduu Eebbe dhumiyo wax hanuunin ma leh, waxayna ku wareeri xumaanta. Saacadda Qiyaamana cidaan Eebbe ahayn ma oga wayna ku cuslaatay cirka iyo dhulka, waxayna ku imaan kado, hase la rumeeyo, oo loo darbado. Xadiithna waxaa ku sugnaaday in Qiyaamadu dhici iyadoo dad wax kala gadan, ama cidi maali xoolaheeda, ama dhoobay daarkiisa oo malaasi, ama cunnadii kor u qaaday. Eebbe hanaga fududeeyo dhibkeeda isagaa awood leh. Al-Acraaf (182-187)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Uma hanto naftayda nafci iyo dhib midna, wuxuu Eebbe doono mooyee, haddaan ahay mid og waxa maqan waxaan badsan lahaa khayrka imana taabteen xumaani, anigu waxaan uun ahay u-dige una bishaareeye qawmkii rumayn [Xaqa].”
  2. Eebbe waa kan idinka abuuray naf kaliya, kana yeelay xaggeeda haweenaydiisii inuu weheshado markay kulmeenna waxay qaadday uur fudud saasayna ahayd markay cuslaatayna waxay baryeen Eebbahood, “Haddaad na siiso [ilmo] suubban waxaan noqonaynaa kuwa shukriya.”
  3. Markuu siiyey mid suubban waxay u yeeleen wax la wadaaga wuxuu Eebbe siiyey, Eebbaa ka sarreeya waxay la wadaajiyeen.

 

Awoodda Eebbaa iska leh, cid nafci iyo dhib hananna ma jirto, illeen Eebbaa faray Nabigiisa (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu dadka u caddeeyo xaalkaas, hadduu ogyahay waxa maqanna wuxuu badsan lahaa khayrka dhibna uusan taabteen, waana uun u-dige u-bishaareeye, ciddii Xaqa rumayn. Eebbana dadka wuxuu ka abuuray naf kaliya Aadam kana ahaysiiyey haweenaydiisii si ay isugu xasilaan isuna weheshadaan, markay kulmeenna ay uuraysatay ayna Eebbe warsadeen inuu ilmo suubban siiyo, markaasay dadku Eebbe wax la wadaajiyaan arrimihiisa, intay ku mahdin lahaayeen, Eebbana waa ka sarreeyaa wax lala wadaajiyo. Waxaana la sheegay in kuwo Eebbe wax la wadaajiyey ay ahaayeen dad kale oon ahayn Aadam iyo Xaawo. Al-Acraaf (188-190)

 

  1. Ma waxay la wadaajin waxaan wax abuuran iyagana la abuuro.
  2. Oon karaynna gargaar naftoodana aan u gargaarayn.
  3. Haddaad ugu yeedho hanuunkana idin ma raacaan waana isku-mid haddaad u-yeedhaan iyo haddaad ka aamustaanba.
  4. Kuwaad caabudaysan [u yeedheysaan] Eebbe ka-sokow waa addoomo idinkoo kala ah, bal u-yeedha oo haydin yeeleen [aqbaleen] haddaad run sheegaysaan.
  5. Ma waxay leeyihiin lugo ay ku socdaan, mise waxay leeyihiin gacmo ay wax ku qabtaan mise waxay leeyihiin indho ay wax ku arkaan, mise waxay leeyihiin dhago ay wax ku maqlaan, waxaad dhahdaa, “U-yeedha shurakadiinna ina dhagra hana i sugina.”
  6. Waligaygu waa Ilaaha soo dejiyey Kitaabka isagaana u gargaara kuwa suubban.

 

Siday Eebbe ula caabudi waxaan wax abuurayn oo la abuuri iyaga, karaynna inay u gargaaraan ama naftooda u gargaarayn, haddaad wax toosin ugu yeedhana kuma raacaan waana isku-mid haddaad u yeedhaan ama ka aamustaan, waana addoomo idinkoo kale ah, mana ajiibaan hadday u yeedhaan, lugo ma leeyihiin ay ku socdaan, ama gacmo ay wax ku qabtaan, ama indho ay wax ku arkaan, ama dhago ay wax ku maqlaan, hasoo kulmiyaan shurakadooda hana dhagreen waxna yeyna sugin, gargaaraha Nabiga ee kuwa suubban dhaqaaleeya waa Eebbaha soo dejiyey Kitaabka Qur’aanka ah, mana habboona, mana bannaana in la caabudo waxaan Eebbe ahayn, waxna laga rajeeyo, illeen Eebbe un baa awood buuxda lehe. Al-Acraaf (191-196)

 

  1. Waxaad caabudaysaan Eebbe ka-sokow ma karaan gargaarkiinna naftoodana uma gargaarayaan.
  2. Hadday ugu yeedhaan hanuunkana ma maqlaan waxaadna aragtaa iyagoo kusoo eegi oon waxba arkayn.
  3. Qaado waxa fudud farna wanaagga kana jeedso jaahiliinta.
  4. Hadduu ku waswaasiyo Shaydaan waswaasiye ka magan-gal Eebbe isagaa maqle oge ahe.
  5. Kuwa dhawrsaday hadduu taabto shar Shaydaan way xusuustaan [waantoomaan] wayna arkaan Xaqa [toosnaadaan].
  6. Walaalaha Shaydaankuse waxay ku kaalmeeyan baadida kamana daalaan.

 

Waxa Eebbe kasoo hadhay oo la caabudo waa waxaan waxba karayn, gargaari karinna, naftoodana u-gargaari karin, kumana maqlaan, kumana arkaan. Wuxuuna Eebbe fari dabeecada wanaagga iyo wanaagga oo la faro, jaahiliintana laga jeedsadaa, hadduu Shaydaan waswaasiyo ruuxana waa inuu Eebbe ka magan-galaa illeen Eebbaa waxna maqla waxna oge. Maxaa yeelay waxaa kamid ah xaalka kuwa dhawrsada in marka Shaydaan xumaan ku taabto ay xusuustaan Eebbe waantoomaanna, kuwa gaaloobayse waxaa sii dhumiya Shaydaan illeen walaalay ka yeesheene. Aayadahanna waxay fari dadka wanaag, ugana digi xumaanta, lagana digtoonaado Shaydaanka, gaalada, jaahiliinta. Waxaana xadiith ah, “Xidhiidhi ciddii ku goysa, siina ciddii kuu diidda, kana jeedso ciddii ku dulmida.” Saas darteed waa in Eebbe uun la caabudo, wanaagna laga rajeeyo, Shaydaan iyo colkiisna laga digtoonaado. Al-Acraaf (197-202)

 

  1. Haddaydaan ula imaanin aayad waxay dhahaan, “Maxaad usoo dooran wayday?” Waxaad dhahdaa, “Waxaan uun raaci wixii layga waxyooday xagga Eebbahay, kaasina waa xujooyin xagga Eebbihiin ka ahaatay iyo hanuunka iyo naxariista ciddii rumayn [Xaqa].”
  2. Markii la akhriyo Qur’aanka dhagaysta una dhag-raariciyana in laydiin naxariisto.
  3. U-xus Eebbahaa naftaada khushuuc [baryo] iyo cabsi, iyo qaylo-la‘aan hadal, aroor iyo galabba, hana noqon kuwa halmaama [xuska Eebbe].
  4. Kuwa Eebbe agtiisa ah iskama kibriyaan cibaadadiisa wayna u tasbiixsadaan [nazahaan] isagayna u sujuudaan.

 

Gaaladu waxay warsadeen Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu la yimaado mucjisooyin jeebkiisa ah, wuxuuse raacaa wixii Eebbe u waxyooday oo Xaq ah, waxna lagu kala garto, hanuun iyo naxariisna u ah ciddii Xaqa rumayn, Xaquna waa u cad yahay ciddii raaci, oo markuu maqlo Qur’aankoo la akhrin maqlo una dhag-raariciya, si loogu naxariisto. Waana in Eebbe si hoos iyo khushuuca loo xuso oon qaylo lahayn waqti kasta iyo subax iyo galabba, lana halmaamin. Malaa‘igta Eebbe ag-joogtana iskama wayneeyaan cibaadadiisa, wayna nazahaan oo u-tasbiixsadaan wayna u sujuudaan. Saas darteed waa in Xaqa la raaco, Qur’aankana la akhriyo, Eebbe loo xuso hoos subax iyo galabba, lana halmaamin, illeen malaa‘igtaa caabudi, isna kibrinayn, una sujuudiye. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Dadow u dhimriya naftiinna illeen uma yeedhaysaan mid dhaga-la’ ama maqane, Ilaahaad u yeedhaysaan waa wax-maqle, dhawe, idiinkana dhaw cunaha gaadiidkiinna.” Waxayna ahayd mar dadku kor u qaadeen ducada. Al-Acraaf (203-206)

***

Suurat al-Anfaal

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxay ku warsan dadku [xukunka] qaniimada, waxaad dhahdaa, “Qaniimada waxaa iska leh Eebbe iyo Rasuulka ee ka dhawrsada Eebbe wanaajiyana xaalka dhexdiinna ah Eebbana adeeca iyo Rasuulkiisa haddaad kuwo rumeeyey tihiin.”
  2. Mu‘miniinta dhabta ah waa uun kuwa marka Eebbe la xuso ay cabsato quluubtoodu, marka lagu akhriyo korkooda aayaadka Eebbana ay iimaan u kordhiso, Eebbahood uun tala saarta.
  3. Ee ah kuwa ooga salaadda waxaannu ku arzaaqnayna wax ka bixiya.
  4. Kuwaasaana ah mu’miniinta xaqa ah, waxayna mudan Jannooyin Eebbahood agtiisa ah, iyo dambi-dhaaf iyo rizqi sharaf leh.

 

Dagaalkii waynaa ee Badar ee dhex maray Muslimiinta iyo gaaladii yey kusoo degtay aayaddu, markay qaar Muslimiintii kamid ah ku hadleen qaniimadii, waxaana tawallin Eebbe oo loo ***ili Xaqa iyo Rasuulka (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) oo ku bixin una qaybin Xaqa. Mase habboona in lagu murmo, waase in Muslimiintu Eebbe ka dhawrsadaan, hagaajiyaanna xaalka dhexdooda ah, oyna adeecaan Eebbe iyo Rasuulkiisa hadday mu‘miniin dhab ah yihiin. Aayadaha kale waxay tilmaami mu‘miniinta dhabta ah, wanaagga kuwa kulansaday, marka Eebbe la xuso qalbigoodaa argaggaxa oo cabsada, marka Qur’aanka lagu akhriyana iimaan u kordho, Eebbe uun tala saarta, salaadda ooga, waxna bixiya, kuwaasaana ah mu‘miniinta xaqa ah ee dhabta ah, mudanna darajooyin Eebbe agtiisa, dambi-dhaaf iyo rizqi sharaf leh. Al-Anfaal (1-4)

 

  1. Siduu kaaga bixiyey Eebbahaa gurigaaga si xaq ah [Jahaad] koox mu‘miniinta kamid ah way nacayeen.
  2. Waxayna kugula murmi Xaqa intuu u caddaaday sidii iyagoo loo wado geeri iyagoo eegi.
  3. Xusuuso markuu idiin yaboohay Eebbe labadii kooxood midkood [colkii iyo safarkii] idiin sugnaatay idinkoo jecel in midda tabarta yar idiin ahaato, Eebbana wuxuu dooni inuu Xaqa ku sugo Kalimaddiisa, gooyana cidhibta gaalada.
  4. Si uu Xaqa u sugo, una buriyo baadilka [xumaanta] haba naceen dambiilayaashuye.

 

Aayadahanna waxay ka warrami dagaalkii waynaa ee Badar iyo in dad kamid ah Muslimiintii ay nacayeen in loo baxo dagaalka, Eebbese wuxuu u yaboohay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) labada kooxood middood oo ah safarkuu Abuu Sufyaan hoggaaminayey ee Shaam ka yimid iyo colkii waynaa ee gaaladii Makkaad, inkastoy mu‘miniintu jeclayd inay la kulmaan safarka, Eebbaha xikmadda lehse wuxuu doonay inuu Xaqa sugo, xumaanta iyo baadilkana buriyo oo jabiyo, gaaladana gumaado, saasaana dhacday maalintaas oo gaaladii kibirsanayd ee badnaa waxaa jabiyey mu‘miniin yar, gargaarka Eebbana waa mudan tahay ciddii Xaqa si dhab ah u raacda ee Diinta Eebbe ku toosta. Al-Anfaal (5-8)

 

  1. Xusuusta markaad ka gargaar warsanayseen Eebbe oo uu idinku ajiibay, “Waxaan idinku xoojin kun malaa‘igta kamid ah oo is-raacraacsan.”
  2. Wuxuu Eebbe u yeelay bishaaro iyo inuu xasilo qalbigiinnu, gargaarra waxaan Eebbe agtiisa ahayn ma aha, Eebbana waa Adkaade fal san.
  3. Xusuustana markuu idinku daboolay hurdo aaminnimo darteed idinkagana soo dejiyey samada biyo inuu idinku daahiriyo idinkagana tegsiiyo waswaaska shaydaanka iyo inuu ku adkeeyo quluubtiinna kuna sugo gommadihiinna.
  4. Markuu u waxyoon Eebbahaa malaa‘igta, “Anaa idinla jira ee suga kuwa Xaqa rumeeyey [xoojiya] waxaan ku tuuri quluubta kuwa gaaloobay argaggax ee ka garaaca luqunta korkeeda kana garaaca xubnaha faraha.”
  5. Maxaa yeelay waxay khilaafeen Eebbe iyo Rasuulkiisa, ciddii khilaafta Eebbe iyo Rasuulkiisana Eebbe waa u ciqaab daran yahay.
  6. Ee arrintaas dhadhamiya, gaalana waxaa u sugnaaday cadaabka Naarta.

 

Dagaalkii Badar wuxuu ahaa arrin aad u wayn, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) markuu dayey asxaabta oo saddex boqol iyo dhawr ah iyo gaaladii oo kun ah yuu qaabilay Qiblada beryeyna Eebbe isagoo dhihi, “Ilaahow ii fuli yaboohaagii, Ilaahow haddaad halaagto kooxdan Islaamka ah lagugu caabudi maayo dhulka waligeed.” Intuu go‘ii garbaha ka dhaco oo Sayid Abuu Bakar ka dhaho “Kugu filan,” wuxuuna Eebbe ku xoojiyey malaa‘ig si loogu bishaareeyo mu‘miniinta, quluubtoodana loo xasiliyo, gargaarna Eebbaa haysta, waxaana qabatay Muslimiinta hurdo inayan cabsan, roob daahiriyana wuu usoo daayey niyada u adkeeyey, lugahana u sugay, wuxuuna Eebbe faray malaa‘igta inay sugaan mu’miinta illeen Eebbaa la jiree, kuna tuuri niyadda gaalada argaggax, iyo inay ka garaacaan madaxa iyo faraha illeen waxay khilaafeen Eebbe iyo Rasuulkiisii, ciddii khilaaftana waxay mudan ciqaab daran, gaalana waxaa u sugnaaday cadaabka Naarta, saasuuna Eebbe ugu gargaaraa mu‘miniinta dhabta ah. Al-Anfaal (9-14)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow haddaad la kulantaan kuwa gaaloobay idinkoo isu soo dhawaan ha u jeedinina dabada [ha cararina].
  2. Ruuxii u jeediya maalintaas dabadiisa [carara] isagoo u xeelaysanayn dagaal ama u dumayn koox wuxuu la noqdaa cadho Eebbe hoygiisuna waa Jahannamo iyadaana u xun meel loo ahaado.
  3. Idinku maydaan ku layn gaalada [xooggiinna] Eebbaase laayey, mana aadan ganayn markaad ganaysay Eebbaase ganay [ku hagaajiyey] inuu u nicmeeyo mu‘miniita nicmo wanaagsan, Eebbana waa Maqle Og.
  4. Arrintaasna waxaa ugu wacan in Eebbe uu tabaryarayn dhagarta gaalada.

 

Aayaduhu waxay caddayn inay ka reeboon tahay mu‘miinta markay cadowgooda gaalada ah dagaal kula kulmaan inay cararaan oo dhabarka u jeediyaan, ciddii carartana waxay mudan cadho Eebbe waxayna u dheelman Naarta Jahannamo ee u xun meel loo ahaado, marka laga reebo u-xeelaysi dagaal ama ku-biirid iyo dumid koox kale oo taageerta. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu ka mid yeelay ka-cararka Jahaadka toddobada dadka halaagta Naartana galisa. Wuxuuna Eebbe ku mannadaystay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) gargaarkii iyo guushii waynayd ee Badar iyo in Eebbe si dhab ah ugu hagaajiyey uguna toosiyey tuuryadii gaalada intay ka jabaan oo laga laayo, illeen awoodda Eebbaa lehe, mu‘miniintana wuxuu ugu nicmeeyey nicmo wanaagsan, wuxuuna saas u falay inuu jilciyo oo tirtiro dhagarta gaalada, colka Islaamka ah, taasina waxay ku tusin in Jahaadku waajib adag yahay, ciddii Muslim ah oo ka tagtana ay mudan dulli, addoonsi iyo tabar-yari, markiise Eebbe lagu xidhnaado, Diintana lagu toosnaado Xaqana lagu jahaado waxaa la heli guul, sharaf, cizzi, dambi-dhaaf iyo Jannadii Eebbe ee wanaagsanayd. Al-Anfaal (15-18)

 

  1. Haddaad kala xukumid dalabteen gaalooy waxaa idiin yimid gargaarkii [Nabiga] inaadse reebtoontaan yaa idiin khayr roon, haddaad ku noqotaan xumaantana waxaannu ku noqon gargaarka [Nabiga] waxna idiinma tarayso kooxdiinnu haba badnaadeene, Eebbana wuxuu la jiraa mu‘miniinta.
  2. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, adeeca Eebbe iyo Rasuulkiisa hana ka jeedsanina idinkoo maqli.
  3. Hana noqonina kuwii yidhi, “Maqallay,” iyagoon wax maqlayn.
  4. Dhul socod waxaa ugu shar badan [u xun] Eebbe agtiisa ma-maqle [Xaqa] ma-hadle oon kasayn [wanaagga].
  5. Hadduu ku ogyahay Eebbe khayr wuu maqashiin lahaa [garansiin lahaa] hadduuse maqashiiyo way jeedsan lahaayeen [kibir dartiis] iyagoo is-dadbi.
  6. Kuwa Xaqa rumeeyow, maqla Eebbe iyo Rasuulka markuu idiinku yeedho wax idin nooleeya [Xaqa] ogaadana in Eebbe [karo] inuu kala dhex-maro ruuxa iyo qalbigiisa, oo xaggiisa laydiin soo kulmin.

 

Gaaladii Carbeed waxay Eebbe warsan jireen isla-wayni darteed in Eebbe halaago ciddii xumaan wadda iyaga iyo mu’miniinta, waxaana u yimid waxay warsanayeen maalintii Badar, waana la halaagay, inay xumaanta ka joogaan yaana u khayr roon, hadday ku noqdaanna Eebbe wuxuu u gargaari mu‘miniinta dhabta ah, waxaana laga rabaa mu‘miniinta inay si run ah u adeecaan Eebbe iyo Rasuulkiisa, Xaqana raacaan, oyna la mid noqon kuwa dhaha “Waan maqalay,” iyagoon maqlin, waxaana ugu liita Eebbe agtiisa waxa dhulka ku socda cid Xaqa ka dhaga-la’ oo ka af-la‘, oon garaynayn oo markii Xaqa loo sheego ka jeedsata, dadka mu‘miniinta ahse waa inay maqlaan oo yeelaan Eebbe iyo Rasuulkiisa markuu wax nooleeya oo Diinta Islaamka ah iyo Xaqa ugu yeedho, illeen waa nolol ee, waxa kasoo hadhayna waa geeriye, arrintana Eebbaa haysta oo toosin cidduu doono oo wanaagga ku dadaasha, xaggiisaana laysu kulmin. Saas darteed ciddii nolol, wanaag, sharaf iyo khayr rabta ha raacdo Qur’aanka iyo Xaqa. Al-Anfaal (19-24)

 

  1. Ka dhawrsada fidmo oon ugu dhacayn kuwii dulmiga falay gaar ahaan oo idin kamid ah, ogaadana in Eebbe ciqaabtiisu daran tahay.
  2. Xusuustana markaad ahaydeen kuwo yar oo lagu tabar-darraysto dhulka [Makkaad] idinkoo ka cabsan in dadku idin dafo oo markaas uu idin dhaweeyey [dumay] idinkuna xoojiyey gargaarkiisa, idinkuna arzaaqay wanaag [xalaal] inaad ku mahdisaan.
  3. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, ha khayaamina Eebbe iyo Rasuulka iyo ammaanadiinna idinkoo og.
  4. Ogaadana in xoolihiinnu iyo carruurtiinnu fidno uun yihiin oo Eebbe agtiisa ajir wayn yahay.
  5. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, haddaad ka dhawrsataan Eebbe wuxuu idiin yeeli faraj [iyo nabadgalyo] wuxuuna asturi xumaantiinna [dambigiinna], wuuna idiin dhaafi Eebbana waa fadli-wayne.

 

Xumaanta haddaan layska reebin kuma kaliyeysato adduunka ciddii fashay kaliya, ee way wada heli ciddii ku dhaw oon xumaanta reebin sida xadiithyo badan ku sugnaaday, waana arrin ay waajib tahay in si dhab ah loo garto looguna camal-falo. Tan kale waxay ahaayeen Muslimiintii Makkaad kuwo tabar yar oo cabsada Eebbaase xoojiyey oo Madiino dejiyey una gargaaray, oo rizqi fiican ku arzaaqay, waana wax la xusuusto oon la halmaami karin. Tan kale waa inaan la khayaamin Eebbe, Diinta, Nabiga, ammaanada iyo Xaqa isagoo la ogyahay, lana garto in xoolaha iyo carruurtu fidmo iyo imtixaan yihiin ee wanaag iyo ajir Eebbe agtiisa yaallo, ciddii si fiican u dhawrsatana Eebbe wuxuu u furi faraj, wuuna asturi, una dambi-dhaafi illeen fadligiisaa waasac ahe, isagaana awoodda lehe. Al-Anfaal (25-29)

 

  1. Xusuuso [Nabiyow] markay ku dhakrayeen kuwii gaaloobay inay ku xidhaan, ama ku dilaan ama ku bixiyaan, way ku dhakrayeen Eebbaase ka abaal-marin isagaana abaal-mariye khayr roona ah.
  2. Marka lagu akhriyo aayaadkannaga waxay dhahaan, “Waan maqallay haddaan doonana waan dhahaynaa kanoo kale [Qur’aanka], kanu waxaan warkii kuwii hore ahayn ma aha.”
  3. Xusuuso markay dheheen, “Eebbow hadduu kanu Xaqa agtaada ah yahay nagaga soo daadi dhagaxyo [Naara] samada, ama noo keen cadaab daran.”
  4. Eebbase ma aha kii cadaaba adoo dhex-jooga, mana aha mid cadaaba iyagoo dambi-dhaaf warsan.

 

Gaaladii Qureysheed dhagar bay u sameeyeen Nabigii (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) waxayna ku shireen Daaru Nadwa markay wax badan hadleenna waxaa arrin soo jeediyey Abuu Jahal wuxuuna soo jeediyey in meel kasta wiil xoog leh laga keeno markaas seefo loo dhiibo Nabigana hal mar kuwada dhuftaan si qaraabadiisu mag u qaadato illeen lama colloobi karaan dadkoo dhane, waxayna isku waafaqeen ra‘yigaas, Eebbaase ogaysiiyey Nabigiisa arrintiina gacantooda ka bixiyey oo nabad-galiyey Nabigii, waana kii baxay ee godka galay isaga iyo Sayid Abuu Bakar, kadibna Madiina aadeen. Waxayna ahaayeen gaaladaasu kuwa marka lagu akhriyo Qur’aanka yidhaahda “Maqallay, haddaan doonno waan dhihi lahayn isagoo kale, waana warkii dadkii hore,” waxayna codsadeen in Eebbe cadaab cirka kaga soo daayo hadduu Qur’aanku Xaq yahay, taasina waa doqonnimo wax Eebbe la waydiistana ma aha, ee waxaa habboon in la dhaho “Eebbow nagu hanuuni Xaqa,” Eebbase ma cadaabo Nabigoo dhex jooga ama iyagoo dambi-dhaaf warsan, illeen way dawaafi jireene. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Waxaa jiray labo ammaan, Nabigii iyo dambi-dhaaf warsasho, waxaase tegey Nabigii waxaana hadhay dambi-dhaaf dooniddii.” Al-Anfaal (30-33)

 

  1. Muxuusanse Eebbe u cadaabayn iyagoo ka celin dadka Masjidka Xurmada leh, mana aha ehelkiisa, ehelkiisu waxaan kuwa dhawrsada ahayn ma aha, badankoodse ma oga.
  2. Salaaddooda Kacbada agteeda ahna ma aha waxaan foodhi iyo sacabbo-tumid ahayn, ee dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinna darteed.
  3. Kuwii gaaloobay waxay ku bixin xoolahooda inay ka celiyaan dadka Jidka Eebbe, way bixin doonaan waxayna ku noqon qoomamo markaasaa laga adkaan, kuwa gaaloobayna xagga Jahannamaa loo kulmin.
  4. In Eebbe kala bixiyo xumaanta iyo wanaagga, yeelana xumaanta qaarkeed tan kale korkeeda uuna kulmin dhammaan uuna yeeli Jahannamo, kuwaasuna waa uun kuwa khasaaray.

 

Gaaladu way mutaan ciqaabta iyo cadaabkaba, illeen waxay dadka ka celiyaan Masaajidka Xurmaysan, oo ayna mudnayn inay daris la noqdaan waxaase mudan inuu gacanta ku hayo Muslimiinta. Gaaladuna dhab ahaan ugama yaabaan Eebbe, cibaadadooduse waa foodhi, buuq iyo sacabbo-tun, abaalkooduna waa cadaab gaalnimadooda dartiis, waxay gaaladu bixin oo xoola ah inay Jidka Eebbe ka leexiyaan, way bixin waxayse ku noqon khasaare waana laga adkaan, Naarta Jahannamana waa lagu kulmin, si Eebbe u kala saaro xumaanta iyo wanaagga, xumaanta wuu kulmiyaa dhammaanna yeela Naarta Jahannamo waana kuwa khasaaray. Ibnu Isxaaq wuxuu sheegay in Cabdullaahi binu Rabiica, Cikrima Abuu Jahal iyo Safwaan binu Umayya u tageen Abii Sufyaan dagaalkii Badar ee lagu laayey qaraabadoodii inay oggolaadaan safarkii Abuu Sufyaan hoggaaminayey ee dagaalku ku billowday xoolihiisa in lagu bixiyo la-dagaallanka Nabiga iyo Muslimiinta, markaasaa waxaa soo degtay aayadahan. Badar bay kusoo degeenna waa la yidhi, waxaase dhab ah in gaalo khasaari. Al-Anfaal (34-37)

 

  1. Ku dheh kuwii gaaloobay hadday ka reebtoomaan [gaalnimada] waxaa loo dhaafi wixii hor maray, haddayse daa‘imaan [gaalnimada] waxaa tagtay [horraysay] jidkii kuwii hore.
  2. La dagaallama gaalada intaan gaalnimo iyo [xumaan] laga helin una ahaato Diintu dhammaan Eebbe, hadday reebtoomaan Eebbe waxay fali wuu arkayaa.
  3. Hadday jeedsadaanna ogaada in Eebbe yahay Gargaarihiinna isagaana u fiican Gargaare.
  4. Ogaadana waxaad qanimaysataan in Eebbe shan-meelood meel leeyahay, iyo Rasuulku, iyo qaraabada, iyo agoonta, iyo masaakiinta, iyo socdaalka, haddaad tihiin kuwo rumeeyey Eebbe iyo waxaan ku dejinnay addoonkannaga maalintii kala-bixinta, maalintay kulmeen labadii col [Badar], Eebbana wax kasta [oo uu doono] wuu karaa.

 

Eebbe waa Naxariiste wuxuuna u dhaafaa wixii hore ciddii gaalnimada kasoo noqota oo xumaanta ka tawbad-keenta, sida ku sugnaatay xadiith: “Islaamku wuu tiraa wixii ka horreeyey, tawbaduna way tirtaa wixii ka horreeyey,” ciddii xumaan ku noqota way caddahay waddadii kuwii hore. Waana in gaalada lala dagaallamo intaan xumaan laga helin, Diintuna dhammaan Eebbe u ahaato, ciddii xumaanta ka joogtana Eebbe wuu arkaa, ciddii jeedsatana Eebbaa uga gargaari mu‘miniinta, Kaalmeeye iyo Gargaarana Eebbaa u fiican. Wixii gaalada laga helo waqtiga dagaalkana shan-meelood meel waxaa loo iili Jidka Eebbe iyo Rasuulkiisa, qaraabada Nabiga oo zako la siinayn, agoonta, masaakiinta, iyo socdaalka, haddii dhab loo rumeeyey Eebbe iyo Qur’aanka, waana xoolo xalaal ah oo lagu xoojin Islaamka iyo Xaqa, laguna wiiqi gaalada. Al-Anfaal (38-41)

 

  1. Xusuusta markaad ahaydeen dhinicii u dhawaa [Badar] gaaladuna ahayd dhinicii ka fogaa [Badar] safarkiina idinka hooseeyey, haddaad isu yaboohdaan [ballanna] waad isku khilaafi lahaydeen ballanka, Eebbaase falay inuu xukumo amar uu fali in ciddii halaagsamina si cad u halaagsanto, ciddii noolaanna si cad u noolaato, Eebbana waa Maqle Og.
  2. Markuu idinku tusiyey Eebbe gaalada hurdada iyagoo yar, haddu ku tusiyo iyagoo badanna waad fashili lahaydeen ood ku murmi lahaydeen amarka, Eebbaase nabadgaliyey, illeen wuu ogyahay waxa laabta ku sugane.
  3. Iyo markuu idin tusiyey markaad kulanteen iyagoo ku yar indhihiinna, idinkuna yareeyey indhahooda in Eebbe xukumo amar uu fali, xagga Eebbaana loo celin umuuraha.

 

Muslimiintu waxay degeen daanta Badar ee xigta xagga Madiino, gaaladuna xagga Makka jahadeeda, safarkiina maray xagga badda Eebbana kulmiyey si ciddii halaagsami iyo tan noolaanba xaalku u caddaado, wuxuuna Eebbe isu muujiyey labada kooxood iyadoo midba la yar tahay midda kale, in Eebbe sugo guusha Islaamka, saasayna u kulmeen labadaas col, oo midna Xaqa iyo Islaamka matalayo iyo mid gaalnimo iyo isla-wayni. Wuxuuna Ibnu Jariir sheegay in Abuu Sufyaan u ciddiray gaaladii Qureysheed kuna yidhi, “Noqda waa nabadgalaye,” waxaase siiday Abuu Jahal oo sheegay inayna noqonayn intay ka tagaan Ceelka Badar, saddex maalmoodna ku nagaadaan oo cunno ku cunaan, geelna ku qashaan, khamrana ku cabbaan gabdhuhuna durbaan u garaacaan oo Carabtuna maqasho, qaddariyaanna. Nabiguna wuxuu yidhi, “Makka waxay idinku soo tuurtay beerkeedii, waana kaas Xaq iyo xumaan.” Al-Anfaal (42-44)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, haddaad la kulantaan koox [cadow ah] sugnaada xusana Eebbe wax badan inaad liibaantaan.
  2. Adeecana Eebbe iyo Rasuulkiisa hana murmina ood fashishaan uu tagana xooggiinnu, samra Eebbe wuxuu la jiraa kuwa samree [adkaysta].
  3. Hana kamid noqonina kuwii ka baxay guryahooda kibir iyo is-tuska dadka darttiis kana celinaya [dadka] Jidka Eebbe, Eebbana waa koobay waxay camal-fali.
  4. Markuu u qurxiyey Shaydaanku camalkooda kuna yidhi, “Wax idinka adkaan oo dad ah ma jiro maanta, anna kaalmeeyaan idiin ahay,” markay is-arkeen labadii kooxoodna wuxuu u gurtay cidhibtiisa, wuxuuna yidhi, “Anugu bari baan idinka ahay, waxaana arkaa waxaydaan arkin, waxaana ka cabsan Eebbe Ilaahayna waa ciqaab-darane.”
  5. Markay dhahayeen munaafiqiintu iyo kuwa cudurku qalbiga kaga jiro, “Waxaa dhagray kuwaas Diintooda,” ciddii Eebbe tala-saarata Ilaahay waa Adkaade Falsan.

 

Waa in la sugnaado marka colka lala kulmo oon la cararin, Eebbana la xuso, lana adeeco Eebbe iyo Rasuulkiisa, lana murmin si aan loo fashilin loona tabar-yaraan, waana in la adkaysto illeen Eebbe wuxuu la jiraa cidda adkaysatee, lana mid noqonin sidii gaaladii reer Makkaad ee kibirka iyo is-tustuska dadka iyo Xaqa-ka-leexintiisa usoo baxday, Shaydaanna u qurxiyey camalkooda una sheegay inaan laga adkaanayn una gargaari, markay labadii col kulmeenna dib u gurtay, sheegayna inuu arko waxayna arag, sheegayna inuu Eebbe ka yaabi isagoo been sheegi. Munaafiqiinta iyo kuwa qalbiga ka bukana ku sheegi mu‘miniinta in Diintoodu khaladday beenna u sheegtay, ciddiise Eebbe tala-saarata isagaa Adkaada ah Falsan, waxaana muuqda in la adkaysto Eebbana lagu xidhnaado, kibir, is-tus, iyo Shaydaanna laga fogaado. Al-Anfaal (45-49)

 

  1. Haddaad aragto markay oofsan [nafta ka qaadi] malaa‘igtu kuwii gaaloobay oy ka garaaci wajiyadooda iyo gadaashooda iyagoo ku dhihi, “Dhadhamiya cadaabka gubidda,” [waxaad arki lahayd arrin wayn].
  2. Arrintaasuna waa waxay hor-marsatay gacmihiinnu darteed Eebbana ma dulmiyo addoomada.
  3. Waa caadadii Fircoon qawmkiisii iyo kuwii ka horreeyey ee ka gaaloobay aayaadkii Eebbe oo Eebbe qabtay dambigooda dartiis, Eebbana waa xoog-badane ciqaab daran.
  4. Arrintaasna waa inaan Eebbe doorinin nicmo uu ugu nicmeeyey qawm intay ka dooriyaan waxa naftooda ah, Eebbana waa Maqle Og.
  5. Waa caadadii Fircoon qawmkiisii iyo kuwii ka horreeyey, waxay ka gaaloobeen aayaadkii Eebbahood markaasuu halaagay dambigooda dartiis waxayna dhammaan ahaayeen daalimiin.

 

Geeridu waa wax wayn, saas darteed yuu Eebbe u sheegay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) in hadduu arko gaalada oo malaa‘igtu nafta ka qaadi kana garaaci wajiga iyo gadaasha kuna dhihi, “Dhadhamiya cadaabka gubidda,” inuu arki lahaa arrin wayn, waana hor-marsadeen gacmahoodu illeen Eebbe ma dulmiyo addoomadee, waxayna lamid yihiin Fircoon iyo dadkiisii iyo kuwii ka horreeyey ee ka gaaloobay aayaadka Eebbe oo Eebbe qabtay dambigoodii dartiis, Eebbana waa xoog-badane ciqaabtiisuna daran tahay, waxaana ugu wacan inaan Eebbe dad ka doorinin nicmo uu ugu nicmeeyey intay naftooda ka dooriyaan, dambina falaan, illeen Eebbe waa Maqle Oge, sidaasna waxaa falay Fircoon iyo dadkiisii iyo kuwii ka horreeyey oo beeniyey aayadkii Eebbe markaasna Eebbe halaagay dambigooda dartiis, Fircoon iyo colkiisiina wuu maansheeyey illeen daalimiin bay ahaayeene. Al-Anfaal (50-54)

 

  1. Dhul socde waxaa ugu shar badan Eebbe agtiisa kuwa gaaloobay oon rumeynin.
  2. Ee ah kuwaad la ballantay markaas buriya ballankooda mar kasta, oon dhawrsanayn.
  3. Haddaad ku liibaanto [adkaato] dagaalka ku eri [xanuuji] kuwa ka dambeeya inay xusuustaan.
  4. Haddaad ka cabsato qawm khayaanadii u tuur [ogaysii] ballankii si siman, illeen Eebbe ma jecla khaa’imiinta.
  5. Yeyna u malayn kuwii gaaloobay inay carari [karaan] iyagu ma daaliyaan [Eebbe].
  6. Ugu darbada waxaad kartaan oo xoog ah, iyo darbidda fardaha inaad ku cabsi-galisaan colka Eebbe iyo colkiina [gaalada] iyo kuwa kale oo kasoo hadhay [munaafiqiinta] ma ogidin Eebbaase og, waxaad ku bixisaan Jidka Eebbana waa laydiin oofin [dhammayn] idinkoon laydin dulmiyeyn.

 

Aayadahanna wuxuu Eebbe ku sheegay in waxa dhulka ku socda ugu liito gaalada beenisay Xaqa, een waliba rumaynayn, oo buriya ballanka Nabiga mar kasta oon dhawrsanaynna, Eebbaana faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) in cidduu ka helo kuwaas dagaalka uu xanuujiyo si kuwa ka dambeeya u cabsadaan, una xusuustaan, hadduu khayaamadooda ka yaabana uu ogaysiiyo inuu ballankoodii u celiyey aaminaynna mar kale, illeen Eebbe ma jecla khaa‘imiintee. Yeyna u malayn gaaladu inay Eebbe ka carari karaan, wuxuuna Eebbe faray Muslimiinta inay u darbadaan dagaalka gaalada una hub samaystaan, iyagoo ku cabsi galin colka Eebbe iyo Muslimiinta ee gaalada ah, kuwa la ogyahay iyo kuwa Eebbe uun ogyahay, Jidka Eebbana wax lagu bixiyo, si Eebbe ugu oofiyo wanaagga oon loona dulmiyin. Waxaana kusoo arooray wanaagga dagaal-barashada iyo hubka xadiithyo badan sida, “Fardaha fuuliddooda waxaa lagu xidhay khayr tan iyo Qiyaamada,” iyo “Gana oo kora, ganiddaana ka khayr-roon koridda.” Taasina waxay muujin inay waajib tahay in loo darbado Jahaadka iyo daaficidda Diinta, xoolaha, dhulka iyo sharafta, markay ka tageen Muslimiintuna amarkii Eebbe yey dulloobeen, gaalana u talisay, Jahaad un baana ka saari kara. Al-Anfaal (55-60)

 

  1. Hadday u iishaan gaaladu nabad u iilo adna talana-saaro Eebbe, illeen Isagaa uun maqla ognee.
  2. Hadday doonaan inay ku dhagraan waxaa Kaafiyahaaga ah Eebbaha kugu xoojiya gargaarkiisa iyo mu’miniinta.
  3. Isuna soo dumay quluubtooda, haddaad bixiso waxa dhulka ku sugan oo dhan maadan isu dunteen quluubtooda, Eebbaase isu-dumay dhexdooda illeen isagaa Adkaade Falsan ehe.
  4. Nabiyow waxaa kugu filan Eebbe adi iyo inta ku raacday ee mu‘miniinta ah.
  5. Nabiyow ku boorri mu’miniinta dagaalka hadday idin kamid yihiin labaatan samra [adkaysta] waxay ka adkaan labo boqol, hadday idin kamid yihiin boqol waxay ka adkaan kun ah kuwa gaaloobay illeen waa qawm aan wax kasayne.

 

Diinta Islaamku waa Diin nabadgalyo, is-jaceyl, is-kaalmayn, saas darteed yuu Eebbe faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) in hadday gaaladu u leexdaan oo doonaan nabad iyo dagaal-la‘aan Nabiguna u leexdo Eebbana talo-saarto kana digtoonaado, illeen Eebbaa wax maqla waxna oge, hadday doonaan inay khayaamaan oo dhagraan Nabigana waxaa ku filan Eebbaha ku xoojiyey gargaarkiisa iyo mu‘miniinta, isuna dumay quluubta mu‘miniinta, illeen waxa dhulka ku sugan oo dhan haddii la bixiyo cidina isuma dumi karto quluubtoode, Eebbaase isu dumay, illeen isagaa adkaada oo falsame, kaafiyana Nabiga iyo mu‘miniintee. Tan kale waa in mu‘miniintu dagaallamaan Xaqana difaacaan haba ka badnaadeen gaaladuyee, illeen Muslimiinta waxaa laga rabaa adkaysi, rumayn Xaqa, iyo Jahaad dhab ah, gaalana way jabi oo halaagsami hadday la dagaallamaan Muslimiintii dhab ah oo geerida oggol Eebbana ku xidhan dhabna u rumeysan. Al-Anfaal (61-65)

 

  1. Hadda wuu idinka fududeeyey Eebbe wuxuuna ogyahay inaad tabar-yar tihiin, hadday idin kamid yihiin boqol samra [adkaysta] waxay ka adkaan labo boqol, hadday idin kamid yihiin kunna waxay ka adkaan labo kun idanka Eebbe, Ilaahayna wuxuu la jiraa kuwa samra.
  2. Kuma habboona Nabi inay u ahaato kuwo la qafaashay intuu kaga jilciyo dhulka dhexdiisa [gaalada] waxaad doonaysaan muuqa adduunyada Eebbana wuxuu dooni Aakhiro, Eebbana waa Adkaade Falsan.
  3. Hadduusan jirin Kitaab Eebbe oo horreeyey waxaa idin taaban lahaa waxaad qaadateen darteed cadaab wayn.
  4. Ee cuna waxaad qaniimaysataan oo xalaal fiican ah kana dhawrsada Eebbe illeen Ilaahay waa Dhaafe Naxariistee.

 

Ibnu Cabbaas waxaa laga wariyey in markay soo degtay aayadda caddayn in labaatan Muslimiina la dagaallamaan labo boqol oo gaala ah ay ku cuslaatay Muslimiintii markaas Eebbe soo dejiyey aayadahan ka fududayn oo ah in boqolku la dagaallamaan labo boqol, kunkuna labo kun la dagaallamo, markay samraan oo adkaystaan Eebbaa u gargaari, saasuuna xaalku ku sugnaaday, sina uma bannaana in markaas la cararo ama la cabsado, markii maalintii Badar qaar la laayey gaaladii qaarna la qafaashay yuu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) la tashaday asxaabta sidii la yeeli lahaa dadkaas markaasuu Sayid Abuu Bakar yidhi, “Aan daynno oon la layn,” Sayid Cumarna yidhi hala laayo, markii la raacay soo-jeedintii Sayid Abuu Bakarna waxaa soo degtay aayadahan oo canaan ah, iyo inay habboon tahay in Eebbe la adeeco adduunna loo xilan, saasna uu ku xalaaleeyey qaniimada laga helo gaalada waxaana Muslimiinta ku waajib ah Jahaad, adkaysi iyo Eebbe-adeecid. Al-Anfaal (66-69)

 

  1. Nabiyow ku dheh kuwa la qafaashay ee gacmihiinna ku jira, “Hadduu ku ogyahay Eebbe quluubtiinna khayr wuxuu idin siin mid ka khayr-roon wixii laydinka qaaday wuuna idiin dhaafi, Eebbana waa Dhaafe Naxariista.”
  2. Hadday doonaan khiyaamadaadana waxay khayaameen Eebbe mar hore markaasuu idin makaniyey Eebbana waa Oge Falsan.
  3. Kuwa rumeeyey ee hijrooday ee ku jahaaday xoolahooda iyo naftooda Jidka Eebbe iyo kuwa dumay [soo dhaweeyey] una gargaaray kuwaasu qaarkood waa gargaaraha qaar, kuwa rumeeyey oon hijroonin gargaarkooda waxba idinkama saarra intay ka hijrooni, haddayse idiinku gargaar-warsadaan Diinta korkiinna gargaar baa ah qaar dhexdiinna ballan yahay mooyee, Eebbana waxaad falaysaan wuu arkaa.

Dagaalkii Badar ee waynaa waxaa lagu qafaashay gaalo badan iyo dad lasoo qasbay, ciddii toosnaata oo kamid ahna Eebbe wuxuu siin wax ka khayr-roon wixii laga qaaday una dambi-dhaafi, haddayse Nabiga khayaamaan horay Eebbe u khayaameen markaas Muslimiinta gacanta u galiyey, illeen waa wax-walba-oge Falsane. Tan kale ciddii rumaysay Xaqa oo hijrootay oo xoolaheeda iyo nafteedaba ugu jahaadday Jidka Eebbe, iyo kuwii soo dhaweeyey una gargaaray qaarkood qaar buu sokeeye u yahay, kuwaanse saas falin waxba kama dhaxeeyo intay ka falaan, haddayse gargaar idin warsadaan waa loogu gargaari ciddaan ballan lala dhigan. Al-Anfaal (70-72)

 

  1. Kuwa gaaloobay qaarkood waa sokeeyaha qaar, haddaydaan saas falinna [ogaanna] fidmaa ahaan dhulka iyo fasaad wayn.
  2. Kuwa rumeeyey ee hijrooday ee ku jahaaday Jidka Eebbe iyo kuwa soo dhaweeyey una gargaaray kuwaasu iyagaa mu’miniin dhab ah, waxayna mudan dambi-dhaafid iyo rizqi sharaf leh.
  3. Kuwa rumeeya gadaal oo hijrooda oo jahaada la-jirkiinna kuwaasu waa idin kamid, qaraabadaana qaarkeed qaar ku mudan yahay xukunka Eebbe Ilaahayna wax kasta waa ogyahay.

 

Waa in la ogaado in Muslimiintuna walaalo yihiin, gaaladuna isu-kaalmaystaan colnimada Xaqa iyo Diinta Islaamka. Haddii kale waxaa dhici fidmo iyo fasaad wayn, kuwa Xaqa rumeeyase oo hijrooda kuna jahaada Jidka Eebbe iyo kuwa soo dhaweeya una gargaara kuwaasu waa mu‘miniinta xaqa ah ee dhabta ah dambi-dhaafid iyo wanaagna way mudan. Kuwa dib ka rumeeya oo hijrooda oo jahaada la-jirkiinna waa idin kamid, qaraabadaasi qaarkeed qaar ku mudan yahay Kitaabka Eebbe, wax kastana Eebbaa og. Waxay caddeeyeen aayaduhu abaalka wanaagsan ee mu‘miniintu mudan Aakhiro. Al-Anfaal (73-75)

 

Suurat at-Tawbah

  1. Tani waa ka bari ahaasho Eebbe iyo Rasuulkiisa kuwaad la ballanteen oo mushrikiinta [gaalada] ah.
  2. Ee socda dhulka afar bilood ogaadana inaydaan daalinayn Eebbe iyo in Eebbe uu dulleyn gaalada.
  3. Waana ogaysiin Eebbe ka ahaaday iyo Rasuulkiisa oo dadka maalinta Xajka wayn in Eebbe ka bari yahay gaalada iyo Rasuulkiisu, haddaad tawbad-keentaanna saasaa idiin khayr-roon, haddaad jeedsataanna ogaada inaydaan Eebbe daalinayn, uguna bishaareeya kuwii gaaloobay cadaab daran.
  4. Kuwaad ballanteen mooyee oo gaalada ah markaasna aan idinka nusqaaminin waxba, idiinkuna kaalmaynin cidna, ee dhammeeya tan iyo ballankooda [muddadood] Eebbana wuxuu jecel yahay kuwa dhawrsada.

 

Suuraddani waxay kamid tahay suuradaha ugu dambeeyey soo-degid, illeen xaggeeda hore waxay soo degeen markii lagasoo noqday duullaankii Tabuuk, bisinna laguma billaabin suuradda, waxayna caddeyn in Eebbe iyo Rasuulkiisu ka bari yihiin gaalo, kuwii ballan lala dhigtayna uu u jiro muddo afar bilood ah, saasaana la ogaysiiyey maalintii iiddii Carrafo, cid ballan leh oon jabin mooyee, colna ugu kaalmaynin Muslimiinta waxaana la sugi muddadooda, taasina waxay ku tusin sida Islaamku ballanka u dhawro una ilaaliyo iyo inaan Eebbe iyo Rasuulkiisa iyo gaalo wanaag dhex oollin. At-Tawbah (1-4)

 

  1. Markay faydmaan bilaha xurmada leh ku dila gaalada meeshaad ka heshaan qabtana [qafaasha] go‘doomiya una fadhiista meel gabbasho ah oo dhan, haddayse tawbad-keenaan oogaanna salaadda, bixiyaanna zakada u sii daaya jidkooda Eebbe waa dambi-dhaafe naxariistee.
  2. Mid kamid ah gaaladana hadduu magan-gal idin waydiisto magan-galiya intuu ka maqlo hadalka Eebbe markaas gaadhsiiya meeluu aamin ku yahay, illeen waa qawm aan wax ogayne.
  3. Siday ugu ahaan gaalada ballan Eebbe agtiisa iyo Rasuulkiisa agtiisa kuwaad kula ballanteen Masaajidka Xurmada leh agtiisa mooyee ee hadday idiin toosnaadaan u-toosanaada, Eebbe wuxuu jecel yahay kuwa dhawrsadee.

 

Markay baxaan bilaha xurmada leh waxaa bannaan in la laayo gaalada meel kastoo laga helo oo la qafaasho lana qabto meel kastana loo fadhiisto, haddayse tawbad-keenaan oo salaadda oogaan oo bixiyaan zakada waxaa loo sii dayn jidkooda, illeen Eebbe waa dambi-dhaafe naxariiste, haddii cid gaalada kamid ah nabad-galin warsadaan Muslimiinta hala nabad-galiyo intay ka dhagaystaan hadalka Eebbe, markaas la gaadhsiiyo meeshay aaminka ku yihiin illeen waa kuwaan wax ogayn, siduu Nabigu falay (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) sanadkii Xudaybiyo, iyo marar kale oo sabab u noqotay hanuunkooda, tan kale gaaladu ballan kuma laha Eebbe iyo Rasuulkiisa agtiisa, kuwii lagula ballamay Masaajidka Xurmada leh agtiisa mooyee, waana in loo toosnaado intay toosan yihiin, Eebbana wuxuu jecel yahay kuwa dhawrsada, Nabiguna saasuu falay Muslimiintuna saasay faleen mana bannaana in ballan la jabiyo. At-Tawbah (5-7)

 

  1. Waa sidee hadday idinka adkaadaan ayna idiin dhawrayn qaraabanimo iyo ballan midna, waxay idinku raalli-galin afkooda wayna diidi quluubtoodu, badankooduna waa faasiqiin.
  2. Waxay ku gataan aayaadka Eebbe qiimo yar waxayna ka leexiyeen Jidka Eebbe waxaana xun waxay falayeen.
  3. Umana dhawraan mu‘min qaraabonimo iyo ballan [midna] kuwaasuna waa uun xad-gudbayaal.
  4. Haddayse tawbad-keenaan oo oogaan salaadda bixiyaanna zakada waa walaalihiinna Diinta waana u caddaynay aayaadka qawmkii wax garan.
  5. Haddayse buriyaan dhaartooda ballankoodii kadib, duraanna Diintiinna, dila madaxda gaalada waa kuwaan dhaar lahayne, inay ka joogan [xumaanta].

 

Gaaladu ma dhawraan Muslimiinta hadday ka tabar-roonaadaan ugumana naxariistaan qaraabannimo iyo ballan midna, iyagoo afkana isku dayi inay ku raalli-galiyaan Muslimiinta, qalbigooduna diidi oo faasiqiina ah, kuna gatay aayaadka Eebbe qiimo yar, Jidkiisana ka leexiya dadka wax xunna fala, cid mu‘min ahna aan u dhawrayn qaraabo iyo ballan, iyagoo xad-gudbi, haddayse tawbad-keenaan oo salaadda oogaan oo zakada bixiyaan, waa walaalihiinna Diinta, aayaadkana wuxuu Eebbe u caddeeyey ciddii wax garan, haddayse buriyaan dhaartooda ballan kadib duraanna Diintiinna waa in la laayo madaxda gaalada dadka fari xumaanta, Xaq-diidka iyo gaalnimadana ku hagaajin, waa kuwaan ballan iyo dhaar lahayne bal inay xumaanta ka joogaan, saasayna u muuqataa waddada Islaamku oon qarsoodi iyo qalqallooc midna ugu jirin, ciddii kula nabaddana la nabad tii diidda Xaqa oo burisa ballankana iska celiya kana digtoonaada. At-Tawbah (8-12)

 

  1. Miyeydaan la dagaallamayn qawm buriyey dhaartooda oo hamiyey [doonay] bixinta Rasuulka idinkuna billaabay markii horaba, miyaad ka cabsanaysaan? Eebbaa mudan inaad ka cabsataan haddaad mu‘miniin tihiin.
  2. La dagaallama, Eebbe haku cadaabo gacmihiinnee, hana dulleeyee, hana idinku gargaaree oo bugsiiyo laabta qawm mu‘miniin ah.
  3. Tegsiiyana cadhada quluubtooda, wuxuuna ka tawbad aqbalaa Eebbe cidduu doono, Eebbana waa oge falsan.
  4. Ma waxaad u malayseen in laydinka tegi isagoon Eebbe muujin kuwa jahaaday oo idin kamid ah oon ka yeelanin wax kasoo hadhay Eebbe iyo Rasuulkiisa iyo mu‘miniinta saaxiib? Eebbana waa ogyahay waxaad falaysaan.

 

Aayaduhu waxay ku adkayn Muslimiinta inay la dagaallamaan gaalada burin ballanka oo ahaa kuwii bixinta Rasuulka hamiyey doonayna xumaanna billaabay, wax laga cabsadana ma aha ee Ilaahay yaa ka cabsi mudan, waana in kuwaas lala dagaallamo, lana dulleeyo, Eebbana ugu gargaaro mu’miniinta quluubtoodana u-caafiyo cadhadana ka tegsiiyo, cidduu doonana uu ka aqbalo tawbada, illeen waa oge falsane. Imtixaan-la‘aanna mu‘miniinta lagu dayn maayo intay ka muuqato kuwa jahaaday oon gaalo saaxiib ka yeelan intay Eebbe, Rasuulkiisa iyo mu’miniinta ka leexdaan, Eebbase waa ogyahay waxay fali, wuuna ka abaal-marin. Aayaduhu waxay ku uruursadeen in gaalo colka Muslimiinta tahay oyna waajib tahay in lala jahaado intay Xaqa kasoo hor-jeedaan lagana dhiganin saaxiib sokeeye iyo gargaare midna, illeen waa col ee. At-Tawbah (13-16)

 

  1. Uma bannaana gaalada inay cammiraan masaajidda Eebbe iyagoo ku qiri naftooda gaalnimo kuwaas waxaa buray camalkoodii Naartana way ku dhex waari.
  2. Waxaa uun cammira masaajidda Eebbe cid rumaysay Eebbe iyo Maalinta Dambe oo salaadda ooga oo bixiya zakada kana cabsanayn waxaan Eebbe ahayn, waxay u dhaw yihiin kuwaas inay kamid noqdaan kuwa hanuunsan.
  3. Ma waxaad kala mid dhigteen waraabinta xaajiga iyo camiridda Masaajidka Xurmaysan ruux rumeeyey Eebbe iyo Maalinta Dambe oo ku jahaaday Jidka Eebbe? Kuma sinna Eebbe agtiisa, Eebbana ma hanuuniyo qawmka daalimiinta ah.
  4. Kuwa rumeeyey [Xaqa] oo hijrooday oo ku jahaaday Jidka Eebbe xoolahooda iyo naftooda, yaa ku darajo wayn Eebbe agtiisa, kuwaasina waa kuwa uun liibaanay.
  5. Wuxuu ugu bishaarayn Eebbahood naxariis xaggiisa ah, raalli-ahaansho iyo Jannooyin oy ku mudan dhexdeeda memo nagaadi ah [joogto].
  6. Iyagoo ku waari dhexdeeda waligood Eebbe agtiisaana ajir wayn yahay.

 

Gaalo xaq uma leh inay cammiraan oo dhisaan ama ku nagaadaan masaajidda Eebbe illeen waaba gaalee, camalkooduna wuu buri, Naarna way ku waari, waxaase cammira masaajidda Eebbe mu‘miniinta hanuunsan, isku midna ma aha cid Xaqa dhammaan rumaysay iyo gaaladii Makkaad ee waraabin jiray xujaajta masaajidkana cammiri jiray, waxbase uma tarin, waxaase liibaani oo Janne ku waari kuwa rumeeya Xaqa, oo hijrooday oo jahaada, waana kaas Jidka Xaqa ah ee toosan ee wax tara qiimana leh. Waxaa jirtay in dad ku faaneen inay cammiri Masaajidka Xurmaysan iyo waraabinta xujaajta iyo wax lamid ah, markaasaa waxaa soo dagay aayaddan caddeyn mu‘minka dhabta ah ee liibaanay. At-Tawbah (17-22)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, haka yeelanina aabbayaalkiin iyo walaalihiin sokeeye hadday ka jeclaadaan gaalnimada iimaanka, ciddiise ka sokeeye-yeelata oo idin kamid ah kuwaasu iyaga un baa daalimiin ah.
  2. Waxaad dhahdaa, “Haddaad aabbayaalkiin, carruurtiinna, walaalihiin, haweenkiinna, qaraabadiinna, xoolo aad kasbateen, ganacsi aad ka cabsanaysaan inuu baaro iyo guryo aad ka raalli tihiin ka jeceshihiin Ilaahay, Rasuulkiisa iyo Jahaad Jidkiisa, suga inta Eebbe ka keeni amarkiisa, Eebbana ma hanuuniyo qawmka faasiqiinta ah.”
  3. Wuxuu idiinku gargaaray Eebbe meelo badan, iyo maalintii Xunayn markay idin cajabisay badnidiinnii oona waxba idiin tarin dhulkuna idinku cidhiidhyamay isagoo waasac ah markaas aad jeedsateen idinkoo carari.
  4. Markaas Eebbe kusoo dajiyey xasilkiisii Rasuulkiisii iyo mu’miniintii kuna soo dejiyey junuud aydaan arkayn uuna cadaabay kuwii gaaloobay, taasina waa abaalka gaalada.
  5. Markaas Eebbe ka tawbad-aqbalo intaas kadib cidduu doono Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.

 

Eebbe wuxuu ku reebi aayadaha hore in qaraabo laga yeesho cid gaalnimo Xaqa ka dooratay ama aabbo ha ahaato ama walaal iyo wax lamid ah, ciddiise qaraabadiisa, xoolihiisa, ganacsigiisa iyo guryihiisa ka doorta Xaqa iyo Jahaadka ha sugo balaayo iyo ciqaab, illeen faasiq buu noqdaye. Waxaana waajib ah in Eebbe, Diinta Islaamka ah iyo Rasuulka Muxamad ah, loo jeclaado si daran, wax kastana laga jeclaado sida xadiith ku sugnaatay. Aayadaha kale waxay caddayn in Muslimiinta wax badan Eebbe u gargaaray, gaar ahaan maalintii Xunayn oo Muslimiintu la yaabeen badnidooda markaas ay carareen Nabiga iyo in la jirtay mooyee, markaas Eebbe xoojiyey si fiicanna u dagaallameen gaaladiina jabiye, cidduu doonana ka tawbad-aqbalay, waana dagaalkii Xuneyn ee Makka iyo Daa‘if dhexdooda lala galay qawmkii Hawaasin, taasina waxay ku tusi inayna badni waxba tarayn mar haddaan Eebbe gargaarkiisu jirin laguna xidhnayn, illeen maalintii Badar oo la yaraana waa kii markiiba gaaladii badnayd la jabiyey, maalintii Xuneyna ee la badnaana markii hore la jabay markaas Eebbe u gargaaray. At-Tawbah (23-27)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, mushrikiintu [gaalada] waa nijaas ee yeyna Masaajidka Xurmaysan u dhawaanin sanadkan kadib, haddaad ka cabsataan saboolnimana wuxuu idinku hodmin Eebbe fadligiisa hadduu doono illeen waa oge falsane.
  2. La dagaallama kuwaan rumeyn Eebbe iyo maalinta Aakhiro oon xaaraan yeelayn wuxuu reebay Eebbe iyo Rasuulkiisu, ka diin-dhiganayn Diinta Xaqa ah [Islaamka] oo ah kuwa ehlu-Kitaabka ah Yuhuud iyo Nasaarada intay ka dhiibaan jizyada [iyadoo darban] iyaguna dullaysan yihiin.
  3. Waxay dhaheen Yuhuud Cuzayr waa wiil Eebbe, Nasaarana waxay tidhi Masiix [Ciise] waa wiil Eebbe, kaasina waa hadalkoodii oy afka ka sheegeen, waxay shabahaan kuwii horey u gaaloobay hadalkoodii, Eebbe hallaayo ee xaggee loo leexin?
  4. Waxay ka yeesheen culimadoodii iyo suufiyadoodii eebbayaal Ilaahay ka-sokow iyo Ciise ibnu Maryama, waxaan cibaadada Ilaahay kali ah ahaynna lama farin, Eebbe mooyee ilaah kalana [xaq lagu caabudo] ma jiro waana ka nazahan yahay waxay la wadaajin.

 

Gaaladu waa nijaas mana bannaana inay masaajidda galaan una dhawaadaan, waana in lala dagaallamo kuwa Kitaabka sheegan intay xoolo jizya ah ay bixiyaan Muslimiintana siiyaan dhawriddooda darteed, illeen waxay ka leexdeen Diintii Islaamka ee Xaqa ahayde kamana joogaan waxa Eebbe iyo Rasuulkiisu reebeen, waana in kuwaas la xukumo lana ilaaliyo, kibir iyo isla-waynina ayan kula noolaanin Muslimiinta, aayadaha kale Yuhuuddu waxay Cuzayr ku sheegtay wiil Eebbe, Nasaarana waxay Ciise ku sheegeen wiil Eebbe waana hadalkii gaaladii ka horraysay oo kale, meel daran yaana loo leexiyey, waxayna eebbe ka yeesheen wadaaddadoodii iyo Nabi Ciise iyadoo cibaadada Eebbe kaliya la faray. Cadiy binu Xaatim yaa ku yidhi, “Maanaan caabudi jirin culimada,” markaasuu yidhi Nabigu, “Waxay jideeyaan sow kumaydaan dhaqmayn?” Wuxuuna yidhi, “Haa.” Markaasuu yidhi, “Wataas cibaadadu.” At-Tawbah (28-31)

 

  1. Waxay dooni gaaladu inay ku damiyaan Nuurka Eebbe afkooda, Eebbana wuu diidi dhammaystirka Nuurka mooyee haba naceen gaaladuye.
  2. Eebbe waa kan ku diray Rasuulkiisa hanuun iyo Diin Xaq ah inuu ka kor-mariyo diimaha dhammaan haba naceen gaaladuye.
  3. Kuwa Xaqa rumeeyow, wax badan oo kamid ah axbaarta [culimada Yuhuud] iyo ruhbaantu [culimada Nasaarada] waxay ku cunaan xoolaha dadka xaq-darro waxayna ka celiyaan [dadka Xaqa] kuwa kaydsada dahabka iyo fiddada oon ku bixinayn Jidka Eebbe ugu bishaaree cadaab daran.
  4. Maalinta lagu gubi xoolahaas dartood Naarta Jahannamo ay ku guban wajiyadoodu iyo dhinacyadoodu iyo dhabarkoodu oo lagu odhan, “Kani waa waxaad u kaydsanayseen naftiinna ee dhadhamiya waxaad kaydsanayseen ciqaabtiisa.”

 

Culimada xun waa balaayo dadka ku dhex jirta sida culimadii Yuhuud iyo Nasaara oo been iyo xaq-darro ku cunayey xoolaha dadka, ciddii sidooda fashana wuxuu qaaday jidkoodii, tan kale ciddii Eebbe xoola siiyey oon Xaqa ku bixinin ee kulmiya uun oo uruuriya wuxuu mudan in xoolihii lagu gubo lagagana shido meel kasta isagoo lagu dhihi, “Dhadhami waxaad kaydsatay ciqaabtiisa.” Xoolahaan zakada iyo xaqa Eebbe laga bixininna waa kayd Naareed, aayadaha horena waxay caddeyn in gaaladu dooni inay Xaqa iyo Nuurka Eebbe damiyaan kuna qariyaan xumaan iyo baadil, Eebbaase diray Rasuulka oo hanuun wata iyo Diinta Islaamka ee Xaqa ah, Eebbaana dhammaystiri oo diimaha ka kor-marin haba naceen gaaladuye. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Diintu waxay gaadhi meeshey habeen iyo maalin joogaan, waxayna gali guri kasto.” Taasina waa bishaaro caddeyn caalaminimada Diinta Islaamka iyo say u faafi. At-Tawbah (32-35)

 

  1. Tirada bilaha Eebbe agtiisa waa labiyo-toban Kitaabka Eebbe dhexdiisa taniyo maalintuu abuuray samooyinka iyo dhulka, waxaana kamid ah afar xurmo [gaar ah] leh waana taas Diinta toosan ee ha dulmiyina dhexdooda naftiinna, lana dagaallama gaalada dhammaantiin, siday idiinla dagaallamayaan dhammaan, ogaadana in Eebbe la jiro kuwa dhawrsada.
  2. Dib u-dhigidda [bilo] waa uun badsasho gaalnimo laguna baadiyeeyo kuwa gaaloobay, waxay banneeyaan sanad waxayna reebaan mid inay waafaqaan tirada Eebbe reebay waxayna banneeyaan wax Eebbe reebay, waxaa loo qurxiyey camalkoodii xumaa Eebbana ma hanuuniyo qawmka gaalada ah.

 

Waxaa jirtay in gaaladu bilaha sanadka say rabaan u qaybin jireen oo mar soo hormarin jireen marna dib u-dhigi jireen markaasaa Eebbe ku caddeeyey aayadda in biluhu yihiin labiyo-toban, afar si gaar ah loo dhawrana kamid yihiin sida: Sidataal, Arafo, Saka, iyo Rajab oyna xun tahay in lays dulmiyo. Tan kale waa in gaalada dhammaan lala dagaallamo siday iyaba dhammaan ula dagaallami Muslimiinta, Eebbana wuxuu la jiraa Muslimiinta dhawrsada ee dhabta ah, in kastoo dulmigu goor walba xun yahay haddana bilahaas waa kasii daran yahay, saas darteed dib u-dhigga bil ama hor-u-marinteedu waa uun kordhisasho gaalnimo, waxaana halkaas ka muuqda in xalaal tahay wuxuu Eebbe banneeyey, xaaraanna tahay wuxuu Eebbe reebay, xaaraanna yahay wuxuu Rasuulku reebo ciddii wax Eebbe reebay bannaysa ama wax Eebbe banneeyey reebta waa mid Ilaahay is barbar-dhigtay oo dhuntay Xaqana ka leexatay. At-Tawbah (36-37)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, maxaad leedihiin oo marka laydin dhaho, “Ku baxa Jidka Eebbe,” aad ugu cuslaataan dhulka, ma waxaad ku raalli noqotaan nolosha adduun Aakhiro ka-sokow? Nolosha adduunyo marka Aakharo loo dayo waa uun raaxo yar.
  2. Haddaydaan bixin wuxuu Eebbe idin cadaabi cadaab daran, wuxuuna idinku baddali qawm aan idinka ahayn, waxna kama dhibaysaan Eebbe, Ilaahayna wax kasta oo uu doono waa karaa.
  3. Haddaydaan u-gargaarin Nabiga waxaa u-gargaaray Eebbe markay bixiyeen kuwii gaaloobay isagoo labo midkood ah markay godka ku jireen markuu ku lahaa saaxiibkiis, “Ha walbahaarin Eebbaa inala jiree,” oo Eebbe ku dajiyey xasilkiisa kuna xoojiyey januud aydaan arkayn kana yeelay kalimadda kuwa gaaloobay tan hoosaysa, Kalimadda Ilaahayna waa tan sarreysa, Eebbana waa adkaade falsan.

 

Jahaadku waa waajib mana habboona in marka jahaadku joogo la dib-maro oon la bixin, lana doorto nolosha iyo raaxada adduunka, raaxada adduunse waa wax yar oo dhammaan, haddaan Jahaadka loo bixinna Eebbe wuu cadaabi isagoo ciqaab adduun usoo dadajinaya, kuna baddali qawm kasoo hadhay, waxna Eebbe kama dhimaan, Eebbana isagaa awood leh. Hadday dadku u-gargaari waayaan Nabiga iyo Diinta Eebbe, Ilaahay waa kuu u-gargaaray markay gaaladii ka bixiyeen Makka oo uu godka galay isaga iyo saaxiibkiis Abuu Bakar kuna yidhi, “Ha walbahaarin Eebbaa inala jiree,” Ilaahayna xasil kusoo dajiyey kalimaddii gaaladana hoos ka yeelay, Kalimaddii Eebbe ee Xaqa ahna kor-yeelay, illeen Eebbaa adkaada oo falsan, waana taas dhibaatada loosoo maray Diinta Islaamka, waxaa sugnaaday in markuu sayid Abuu Bakar ku yidhi Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Hadduu midkood dayo gondihiisa wuu ina arki lahaa,” uu ku yidhi, “Maxaad u-malayn labo Eebbo saddaxeeyo?” Eebbaana wax lagu tiirsada ah lana rumeeyo, Diintiisana loo dagaallamo. At-Tawbah (38-40)

 

  1. Baxa idinkoo fudud iyo idinkoo cuius kuna jahaada xoolihiinna iyo naftiinna Jidka Eebbe, saasaana idiin khayr-roon haddaad wax ogtihiin.
  2. Hadduu jiro muuqaal adduunyo oo dhaw iyo socdaal gaaban way ku raaci lahaayeen waxaase ku fogaaday socdaalkii, waxayna ku dhaaran Eebbe, “Haddaanu kari waan idinla bixi lahayn,” waxayna halaagi naftooda Eebbana waa ogyahay inay been sheegi.
  3. Eebbe haku cafiyee maxaad u idantay intay kaaga caddaato kuwa runta sheegi ood ka ogaato beenaalayaasha?
  4. Kaama idin waydiistaan kuwa rumeeyey Eebbe iyo Maalinta Dambe inay ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda, Eebbana waa ogyahay kuwa dhawrsada.
  5. Waxaase ku idin waydiin kuwaan rumaynin Eebbe iyo Maalinta Dambe ayna shakiday quluubtoodu, waxayna ku noqnoqon [ku wareersan yihiin] shakigooda.

 

Duullimaadkii waynaa ee Tabuuk yuu Eebbe faray Muslimiinta inay la baxaan Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) waxaana loo baxay xagga Shaam oo gaaladii Ruum, waxayna ahayd arrin adag oo lagu kala-baxay, oo munaafiqiintii soocmeen, haddii qaniimo dhaw la heli ama socdaalku gaaban yahay way bixi lahaayeen, waxaase dheer jidka, waxayna ku dhaaran “Haddaan karno waan kula jiri lahayn,” iyagoo been sheegi oo naftooda halaagi, markuu Nabigu qaar kamid ah u idmay inay hadhaan yuu Eebbe ku yidhi Nabiga, “Eebbe haku saamaxo ee maxaad u fasaxday intay dadku dhab ugu kala caddaan?” Muslimiinta dhabta ahse ma idin warsadaan inay jahaadaan iyo in kale, waxaase idin warsada kuwaan Eebbe iyo Aakhiro rumaynin oo shakiga la wareersan, aayaduhuna waxay caddeyn siday waajib u tahay inay u wada jiraan Jahaadka una kala-hadhin, si loo daafaco Diinta Islaamka iyo dhulka Islaamka, Muslimiintuna markay ka tageen Jahaadkii Xaqa ahaa nafna jecleysteen wakaas la qaybsaday oo la qabsaday dhulkoodii, wax sharaftoodii usoo celin oo Jahaad dhab ah ahayna ma jiro ee cid maqli ma jirtaa? At-Tawbah (41-45)

 

  1. Hadday doonaan bixid waxay u-darban lahaayeen qalab, wuxuuse nacay Eebbe bixintooda wuuna dib-mariyey waxaana lagu yidhi [gaaladii] “La fadhiista kuwa fadhiya.”
  2. Hadday baxaan dhexdiinna waxaan xumaan ahayn idiinma kordhiyaan, waxayna u dagdagi lahaayeen fasaadinta dhexdiinna iyagoo idinla dooni fidmo, waxaana idin ku jira kuwo idiin dhagaysan Eebbana waa ogyahay daalimiinta.
  3. Waxay idinla dooneen fidno mar hore waxayna kuu gadgaddiyeen umuuraha intuu ka yimaado Xaqu oo ka muuqdo amarka Eebbe [Xaqa] iyagoo nici.
  4. Waxaa kamid ah kuwo dhihi, “I fasax hana i fidneyn,” waxayse ku dhaceen fidno Jahannamana way koobtay gaalada.

 

Munaafiqiinta iyo diin-laawayaashu waxba uma taraan Muslimiinta, wayna u raacaan dagaalka wax faa‘iido ahna kuma jirto, illeen hadday run-sheegi way u darban lahaayeen Jahaadkee, Eebbaase nacay bixiddooda ee ha fadhiyeen sida kuwa fadhiya, hadday baxaan waxay ku abuuri war iyo xumaan Muslimiinta dhexdeeda ah iyo fidno iyo balaayo ay la dooni Muslimiinta, waxaana ku jira Muslimiinta kuwo maqli warka munaafiqiinta, Eebbese waa ogyahay daalimiinta, horay bay u damceen fidno iyo qasba, uguna gadgaddiyeen xaalka Nabiga iyo Muslimiinta dhibkeeda intuu ka muuqdo Xaqu iyo amarka Eebbe iyagoo neceb, waxaase kamid ah kuwo dhihi, “I fasax Nabiyow, hana igu fidneynin bixidda,” waxayse ku dhaceen fidnadii iyo balaayadii, Jahannamana waxay koobi gaalada. Halkaasna waxaa ka muuqda u-darbashada Jahaadka, ka-digtoonida munaafiqiinta iyo war-xumayaasha xumaanta la jecel Muslimiinta, in Eebbe muujin Xaqa oo kor-yeeli markay Muslimiintu gartaan wanaagga kuna socdaan, waana inaan laga cudur-daar warsanin Jahaadka ee waa in la muujiyaa niyad-sami, khayr-jacayl, daafaca Diinta Islaamka iyo doonidda wanaagga iyo sharafta Eebbe agtiisa ah, isagood tala-saarani adkaysi iyo shaqana badini. At-Tawbah (46-49)

 

  1. Hadduu wanaag kusoo gaadho wuu walbahaarinayaa munaafiqiinta, hadday ku hesho dhibaatana waxay dhahayaan,”Waan ka dadaalay raaciddiisa mar hore,” wayna jeedsadaan iyagoo faraxsan.
  2. Waxaad dhahdaa, “Naguma dhaco wax Eebbe noo qoray mooyee, isagaa Gargaarahannaga ah ee Ilaahay uun ha tala-saarteen mu’miniintu.”
  3. Waxaad dhahdaa, “Ma waxaad nala sugaysaan waxaan labada wanaag midkood ahayn [guul ama shahaado]? Annaguna waxaan idin la sugaynaa inuu Eebbe idinku asiibo [ciqaabo] cadaab agtiisa ah ama gacmahannaga, ee suga annaguna waan idin la sugaynaaye.”
  4. Waxaad dhahdaa, “Bixiya wax ama oggolaansho ama qasab marnaba laydin kama aqbalee, illeen waxaad tihiin qawm faasiqiin ah.”
  5. Wax u diiday in la aqbalo bixinteeda oon ka-gaalowgooda Eebbe iyo Rasuulkiisa ahayn ma jiro, mana yimaadaan salaadda iyagoo wahsan mooyee, mana bixiyaan iyagoo neceb mooyee.

 

Munaafiqiinta waxaa kamid ah kuwo Nabiga fasax waydiisan inay dagaalka ka hadhaan iyagoo sheegi inay fidnoobi hadday baxaan, waxayse dhab ugu dhaceen fidno Naarta Jahannamana way koobi gaalo, hadday Muslimiintu khayr helaanna way ka naxaan, hadday dhibaato ku timaaddana waxay sheegaan inay dadaaleen waana farxaan, waxaan Eebbe qorinse Muslimiinta kuma dhaco, isagaana Gargaara ah Muslimiintu ay tala-saartaan, Muslimiintuna waxay heli guul ama waxay ku dhiman shahaadanimo, gaalana ha sugto ciqaab Eebbe ama jab ku gaadha gacmaha Muslimiinta, waxay bixiyaanna lagama aqbalo illeen waa faasiqiine, waxayna ka gaaloobeen Eebbe iyo Rasuulkiisa, salaaddana iyagoo wahsanayeey yimaadaan, waxayna wax bixiyaan iyagoo neceb, illeen waa munaafiqiine. At-Tawbah (50-54)

 

  1. Yeyna ku yaab-galinin xoolahoodu iyo carruurtoodu, wuxuu un dooni Eebbe inuu ku ciqaabo nolosha adduun oy baxdo naftoodu iyagoo gaala ah.
  2. Waxay ku dhaaran Eebbe inay idinla jiraan idin lamana jiraan, waase qawm cabsan.
  3. Hadday helayaan meel ay magan-galaan ama godod [buuro] ama meel ay galaan way u jeedsan lahaayeen iyagoo degdegi.
  4. Waxaa kamid ah kuwo kugu ceebin sadaqada [zakada] haddii la siiyana raalli noqon haddaan la siininna cadhoon.
  5. Hadday ku raalli-noqdaan waxay siin Eebbe iyo Rasuulkiisu oy dhahaan, “Waxaana nagu filan Eebbe wuxuu naga siin Eebbe fadligiisa Rasuulkiisuna wuu na siin anaguna Eebbe un baan wax ka doonaynaa,” [saasaa u khayr-roon].

 

Wax lala yaabana ma aha ama la wanaajisto xoolahooda iyo carruurtooda waxay un ku noqon khasaare Aakharo iyo adduunbe, waxayna dhiman iyagoo gaalo ah, waxayna ku dhaaran inay la jiraan Muslimiinta lamana jiraan ee way cabsan, hadday helaan meelay ku cararaanna way ku degdegi, qaarkoodna waxay ku ceebayn jireen Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) iyo Muslimiinta waxay bixin, iyagoo haddii wax la siiyana raalli noqda hadday waayaanna cadhooda. Haddayse ku raalli-noqdaan waxay Eebbe iyo Rasuulkiisu siiyaan oy ku kalsoonaadaan Eebbe iyo Rasuulkiisa saasaa u wanaag badnaan lahayd, tilmaantaasna waa tilmaanta munaafiqiinta, had iyo jeerna waxay ceebeeyaan oo xumaan iyo shar la doonaan Muslimiinta sidii kii ku yidhi Nabiga, “Caddaalad maadan falin,” ee uu ku yidhi, “Yaa caddaalad fali haddaanan caddaalad falin?” Xumaan badanaa kuwaasu. At-Tawbah (55-59)

 

  1. Sadaqada [zakada] waxaa uun muta fuqarada, masaakiinta, kuwa ka shaqeeya, kuwa lasoo dhawayn quluubtooda, kuwa la xorayn, kuwa [Xaqa] ku daynoobay, Jidka Eebbe iyo socdaalka, waana wax Eebbe faral yeelay, Ilaahayna waa oge falsan.
  2. Waxaa kamid ah [munaafiqiinta] kuwa dhiba Nabiga oo dhaha, “Waa wax walba maqle,” waxaad dhahdaa, “Waa khayr maqlihiinna wuxuuna rumayn Eebbe, wuxuuna u-rumayn mu‘miniinta, waana u-naxariistaa kuwa rumeeyey oo idin kamid ah,” kuwa dhiba Rasuulka Eebbe waxay mudan cadaab daran.
  3. Waxay idiinku dhaaran Eebbe inay idin raalli-galinayaan, Eebbe iyo Rasuulkiisa yaa mudnaan badan inay raalli-galiyaan hadday mu‘miniin yihiin.
  4. Miyeyna ogayn ciddii la dagaallanta [oo khilaafta] Eebbe iyo Rasuulkiisa inuu mudan Naarta Jahannama, kuna waari dhexdeeda? Arrintaasuna waa dulli wayn.

 

Zakada waxaa mudan siddeeddaas nooc ee Eebbe sheegay isagoon cidna u-dayn, taasna waxay ku tusin inay bixinta zakadu waajib tahay, in siddeeddaas kooxood mudan yihiin wanaagga iyo isu-naxariisashada Diinta Islaamku ma aha hadal iyo war la sheegsheego saas darteed waa in la bixiyo zakada lana siiyo dadkaas iyo meelahaas mudan. Tan kale munaafiqiintu waa cudur ku dhex-jira Muslimiinta wax kastana wax ka sheegi, waxaana kamid ah inay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ku dhahayeen, “Waa wax walba maqle,” khayrka iyo wanaagga yuuna maqlayey, ciddiise dhibta waxay mudan cadaab daran dhaar beena yeyna maraan si ay u raalli-galiyaan Muslimiinta, Eebbaase mudan in la raalli-galiyo, ciddii la collowda Eebbe iyo Rasuulkana wuxuu mudan cadaab daran. At-Tawbah (60-63)

 

  1. Waxay ka digtoon yihiin munaafiqiintu in lagusoo dajiyo suurad ka warrami waxa quluubtooda ku sugan, waxaad dhahdaa, “Jeesjeesa Eebbe wuxuu soo bixin waxaad ka digtoon tihiin [cabsanaysaan].”
  2. Haddaad warsato waxay dhihi, “Waan un yar tiimbanaynay oon ciyaaraynay,” waxaad dhahdaa, “Ma Eebbe iyo aayaadkiisa iyo Rasuulkiisa yaad ku jeesjeesayseen?”
  3. Ha cudur-daaranina waad gaalowdeen rumayn kadib, haddaan cafinno koox idin kamid ah waxaan cadaabaynaa koox illeen iyagu waa dambiilayaale.
  4. Munaafiqiintu rag iyo haweenba qaarkood qaarka kale yuu ka ahaaday waxayna faraan xumaanta, waxayna ka reebaan wanaagga, waxayna laabaan gacmahooda [wax ma bixiyaan] Eebbayna halmaameen isna aabbayeel-darro yuu kula dhaqmay, munaafiqiin iyaga un baa faasiqiin ah.
  5. Wuxuuna Eebbe u yaboohay munaafiqiintaa rag iyo haweenba iyo gaalada Naarta Jahannamo wayna ku dhex waari iyadaana ku filan, waxaana lacnaday Eebbe waxayna mudan cadaab joogta ah.

 

Munaafiqiinta rag iyo haweenba waa colka Diinta Islaamka iyo Muslimiinta waxayna ku jeesjeesi kuna ciyaaraan Eebbe iyo Rasuulka iyo Xaqa, waxayna is-faraan xumaanta wanaaggana way iska reebaan, Eebbe iyo Xaqana way halmaamaan waxayse mudan cadaab daran oy ku waari kuna dulloobi, illeen waa dambiilayaale. Aayaduhuna waxay kusoo dageen mar ay ku sheekeysanayeen dhibka iyo xumaanta Muslimiinta lahaayeenna, “Ma kuwanaa iska celin reer Ruum? Barri baan arkaynaa iyagoo xidhxidhan.” Munaafiqna wax uma taro Muslime wuu uun dhibaa. At-Tawbah (64-68)

 

  1. Waxaad lamid tihiin kuwii idinka horreeyey, waxayna ahaayeen kuwo idinka badan xoog iyo xoolo iyo carruur waxayna ku raaxaysteen nasiibkoodii idinkuna waxaad raaxaysateen nasiibkiin siday ugu raaxaysteen kuwii idinka horreeyey nasiibkoodii, waadna dhumbateen xumaanta siday u dhumbadeen, kuwaas waxaa buray camalkoodii adduun iyo Aakhiraba kuwaasuna iyaga un baa khasaaray.
  2. Miyeyna soo gaadhin warkii kuwii ka horreeyey oo ah qawmkii [Nabi] Nuux, Caad, Thamuud, qawmkii [Nabi] Ibraahiim, Madyan dadkeedi iyo qawmkii [Nabi] Luud, waxay ula timid Rasuulladoodii xujooyin, Eebbana ma aha mid dulmiya iyagaase naftooda dulmiya.

 

Aayadahan wuxuu Eebbe ku sheegi inay ku daydeen kuwa Xaqa diidi gaaladii hore kana xoolo, xoog iyo carruur badnaa, waxayna ku raaxaysteen addunka sidii kuwaas hore waxayna xumaanta u dhumbadeen siday kuwaas u dhumbadeen, waana buray camalkoodu adduun iyo Aakhiro, waana kuwo khasaaray. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaad maraysaan waddadii gaaladii taako taako iyo dhudhun dhudhun xataa hadday galaan god kharaaba waad ka daba-galaysaan.” Sidii qawmamkii ka horreeyey ee Nabiyada beeniyey markay Rasuulladii ula yimaadeen xujooyin iyo Xaq wayse dulmiyeen naftooda, illeen Eebbe wax ma dulmiyee, waxaase habboon rumayn iyo wanaag. At- Tawbah (69-70)

 

  1. Mu’miniinta rag iyo haweenba qaarkood qaarka [kale] waa u-sokeeye waxayna faraan wanaagga kana reebaan xumaanta, waxayna oogaan salaadda, waxayna bixiyaan zakada, waxayna addeecaan Eebbe iyo Rasuulkiisa, kuwaas waxaa u naxariisan Eebbe, illeen Eebbe waa adkaade fal sane.
  2. Wuxuu u yaboohay Eebbe mu’miniinta rag iyo haweenba Jannooyin ay socoto dhexdeeda wabiyaal- kii iyagoo ku waari dhexdeeda, iyo guryo wanaagsan oo Jannada Cadni [nagaadiga] raalli-ahaanshaha Eebbaana ka wayn, arrintaasuna waa uun liibaanta wayn.

 

Aayadahani waxay caddeyn in mu‘miniintu rag iyo haweenba sokeeye iyo qaraabo isu-gargaara yihiin, wanaaggana is-faraan, xumaantana iska-reebaan, salaaddana si wanaag ah u oogaan, zakadana bixiyaan Eebbe iyo Rasuulkiisana adeecaan, waana kuwa naxariista Eebbe awoodda lehe falka san muta. Wuxuuna Eebbe u yaboohay Jannooyin aan laga guuraynin oo wabiyaal dhex socdaan, isagoo raalli-ahaanshaha Ilaahay ka wayn yahay, waana liibaanta ugu wayn arrintaasi, waxaana halkaas ka muuqda siday u kala duwan yihiin tilmaanta munaafiqiinta iyo tan mu’miniinta, waxaana kamid ah tilmaanta mu‘miniinta inay isku-tiirsanaadaan, isuna naxariistaan, siduu Rasuulku yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Mu‘minku mu‘minka wuxuu u yahay sida dhista qaarkeed qaarka kale u xoojiyo,” iyo xadiithka kale ee caddayn inay jidh kaliya yihiin isuna xanuunsan, sidaas darteed khilaaf-badane, xumaan-fale, naxariis-yare, ma-gargaare, mu‘min toosan ma yahay? At-Tawbah (71-72)

 

  1. Nabiyow la jahaad gaalada iyo munaafiqiinta, kuna darrow dheelmadkooduna waa Naarta Jahannamo iyadaana u xun meel loo ahaan.
  2. Waxay ku dhaaran inayna dhihin [hadal xun] iyagoo yidhi hadal gaalnimo ayna gaaloobeen Islaamnimo [muuq ah] kadib, ayna dooneen waxayna gaadhin, waxayna ku naceen ku hodanaynta Eebbe iyo Rasuulkiisa fadligiisa, hadday tawbad-keenaan khayr bay u tahay, hadday jeedsadaanna wuxuu Eebbe cadaabi cadaab daran adduun iyo Aakhiraba, gargaarana kuma leh dhulka dhexdiisa iyo sokeeye midna.

 

Eebbe wuxuu faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu la jahaado gaalada iyo munaafiqiinta kuna darraado ayna ka helin jileec illeen hoygoodu waa Naartii Jahannamee, waxayna ku dhaartaan been iyo gaalnimo intay Islaamnimo muuq ah muujiyeen kadib, wax xunna way dooneen, waxayna la cadhoodeen u-nicmeynta Eebbe iyo Rasuulkiisa, hadday tawbad-keenaanna way u fiican tahay, hadday jeedsadaanna Eebbe wuxuu u-cadaabi si daran adduun iyo Aakhiraba, mana helayaan gargaare. Taasina waxay ku tusin xumaanta gaalada, munaafiqiinta, diin-laawayaasha iyo Xaq-diidayaasha, ayna habboon tahay in laga foojignaado. At-Tawbah (73-74)

 

  1. Waxaa kamid ah kuwo la ballamay Eebbe hadduu wax ka siiyo fadligiisa inuu sadaqaysto noqdana kuwa suubban.
  2. Markuu wax ka siiyey fadligiisa ay ku bakhayleen jeedsadeenna iyagoo diidi.
  3. Wuxuu ku reebay quluubtooda munaafiqnimo tan iyo maalintay la kulmi ku-baajintooda Eebbe waxay kula ballantameen iyo beenintoodii darteed.
  4. Miyeyna ogayn in Eebbe ogyahay qarsoodigooda iyo muuqooda iyo in Eebbe ogyahay waxa maqan?
  5. Waa kuwa ku ceebayn kuwa sadaqaysan oo mu‘miniinta ah sadaqadooda iyo kuwaan helaynin tabartooda mooyee, way ku jeesjeesi Eebbana wuu kula macaamiloon abaalkooda waxayna mudan cadaab daran.

 

Waxaa kamid ah dabeecadda munaafiqiinta inay ceebeeyaan Muslimiinta waxna ka sheegaan, iyo inay buriyaan ballanka, markuu Eebbe wax siiyana ay ka gaaloobaan nicmada, kuna bakhaylaan si qalbigoodu ugu waarto munaafiqnimo iyo kufri caloolo, illeen waxay baajiyeen ballankii Eebbe waxayna beeniyeen Xaqii, sidii iyagoon ogayn Eebbe qarsoodigooda iyo muuqooda iyo waxa maqan, waxayna sheegaan fasirayaashu inay aayaduhu kusoo degeen nin la dhihi jiray Thaclaba oo xoola batay markaas ka tagay cibaadadii Eebbe zakadiina diiday, cid kastase way u taallaa hadday Xaqa ka leexato, mana habboona in mu‘miniinta lagu ceebbeeyo waxa yar ee ay awoodaan hadday sadaqaystaan, ciddii ceebeysana Eebbaa ka abaal-marin oo u-ciqaabi si daran, waxaana la sheegay in Cabdiraxmaan binu Cawf sadaqaystay wax badan asxaabi kalana ku deeqay wax yar markaasay munaafiqiintii dureen labadiiba. Diinta Islaamkuna ma rabto ceebeynta, xumaan-sheegga iyo xaqiraadda Muslimiinta. At-Tawbah (75-79)

 

  1. Ama u dambi-dhaaf warso ama ha u dambi-dhaaf warsanin, haddaad u dambi-dhaaf warsato toddobaatan jeer uma dambi-dhaafo Eebbe, illeen iyagu waxay ka gaaloobeen Eebbe iyo Rasuulkiisa, Eebbana ma hanuuniyo qawmka faasiqiinta ah.
  2. Waxay ku farxeen kuwii kadib dhacay fadhigoodii Rasuulka gadaashiisa, waxayna naceen inay ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda Jidka Eebbe, waxayna dheheen, “Haku bixina kulaylka,” waxaad dhahdaa, “Naarta Jahannamo yaa ka kulayl daran,” hadday wax kasi.
  3. Ee ha qosleen wax yar [adduunka] hana ooyeen wax badan [Aakhiro] iyadoo laga abaal-marin waxay kasbadeen.
  4. Hadduu kuusoo celiyo Eebbe koox kamid ah oy kaa idin waydiistaan bixid waxaad dhahdaa, “Bixi maysaan la-jirkayga waligiin, lana dagaallami maysaan col la-jirkayga illeen waxaad jeclaateen fadhi markii horaba ee la fadhiya kuwa dib-maray.”

 

Munaafiqiintu ma mutaan in loo dambi-dhaaf warsado, wuxuuna Eebbe Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ka reebay inuu u dambi-dhaaf warsado, illeen waxay ka gaaloobeen Eebbe iyo Rasuulkiisa, waxayna noqdeen faasiqiin aan hanuunayn, kuna farxay inay ka hadheen Jahaadka Nabigu u baxay, reebtayna xoolahoodii iyo naftoodii, isuna dardaarmay inayna kulaylka ku bixin, waxaase ka dambaysa Naartii Jahannamo hadday wax kasi, ee addunka wax yar ha qosleen, Aakhiray wax badan ooyiye, waxaana laga abaal-marin waxay kasbanayeen, hadday koox kamid ah doonaan inay idin la baxaan diida inay idin la baxaan ama dagaal idin la galaan illeen waa kuwii markii horaba iska fadhiistaye oo nacay Jahaadkee munaafiqiinna waa colka Muslimiinta. At-Tawbah (80-83)

 

  1. Haku tukanin mid kamid ah oo dhinta waligeed, hana kor is-taagin qabrigiisa, illeen waxay ka gaaloobeen Eebbe iyo Rasuulkiisa waxayna dhinteen iyagoo faasiqiin ah.
  2. Ee yeyna ku yaab-galinin xoolahoodu iyo carruurtoodu, wuxuu uun Eebbe dooni inuu ku cadaabo adduunka ay baxdana naftooduna iyagoo gaalo ah.
  3. Marka lasoo dejiyo suurad [dhihi], “Rumeeya Eebbe Jahaadana la-jirka Rasuulkiisa,” waxaa idan ku warsada kuwa awoodda leh oo kamid ah waxayna dhahaan, “Na daa aan noqonno kuwa fadhiyee.”
  4. Waxay ka raalli-noqdeen inay noqdaan kuwa dib-maray, waxaana la daboolay quluubtooda waxna ma kasayaan.

 

Eebbe wuxuu ka reebay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu ku tukado una duceeyo ciddii munaafiqiinta kamid ah oo dhimata iyo inuu qabrigeeda kor is-taago, illeen waxay ka gaaloobeen Eebbe iyo Rasuulkiisa, waxayna ku dhinteen iyagoo faasiqiine, waxaana la sheegay inay ku soo dagtay aayaddu xaalkii munaafiqiinta, sida Cabdullaahi binu Ubayyi. Waana inaadan la yaabin ama waynaysanin xoolaha iyo carruurta munaafiqiinta, adduunkana waa lagu cadaabi waxayna dhiman iyagoo gaalo ah, marka Jahaadka la farana waxaa inay iska hadhaan warsada kuwa awoodda leh oo kamid ah, iyagoo jecel inay xaaska iyo dadka tabarta yar la hadhaan. Waxaana la daabacay qalbigooda waxna ma kasayaan. Suuradduna wax badan yey ka warrami xaalka munaafiqiinta, waxaase habboon in laga digtoonaado camalkooda iyo habkooda oo kale. At-Tawbah (84-87)

 

  1. Rasuulkase iyo kuwa rumeeyey ee la jira way ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda waxaana kuwaas u sugnaaday khayraad, kuwaasuna waa Rasuulkase iyo mu‘miniinta la jira ee Xaqa rumeeyey waxay ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda, waxayna mudan wanaag waana kuwa liibaanay, waxayna gali Jannooyin ay ku waari, waana liibaanta wayn.

 

Had iyo jeerna way cudur-daaran jireen reer-baadiyaha kuwa kamid ah, wayna iska fadhiisteen kuwii beeniyey Eebbe iyo Rasuulkiisa, waxaase haleeli cadaab daran. Taasina waxay muujin xumaanta nolosha munaafiqiinta iyo siday qas iyo lab iyo wareerin ugula dhex noolaayeen Muslimiinta, munaafiqiinna wanaag iyo sharaf waa ka fog yihiin. At-Tawbah (88-90)

 

  1. Wuxuuna u darbay Eebbe Jannooyin oy socoto dhexdeeda wabiyadii iyagoo ku waari dhexdeeda taasina waa liibaan wayn.
  2. Waxaa yimid kuwii cudur-daaranayey oo reer-baadiyaha ahaa in loo idmo [dib-mar] waxaana iska fadhiistay kuwii beeniyey Eebbe iyo Rasuulkiisa, waxaana ku dhici kuwii gaaloobay oo kamid ah cadaab daran.
  3. Dhib ma saarra kuwa tabarta yar, kuwa buka iyo kuwaan helayn waxay bixiyaan, hadday u naseexeeyaan [Diinta] Eebbe iyo Rasuulkiisa, kuwa sama-falana jid laguma leh Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.
  4. Kuwiina dhib ma saarra kuu yimid inaad xambaarto [gaadiid siisid] markaas aad ku tidhi, “Ma helayo waxaan idinku xambaaro,” markaas jeedsaday iyagoo indhahoodu la daadan illin walbahaar inayna helin waxay bixiyaan.
  5. Waxaa uun jid lagu leeyahay kuwa ku idan-warsada iyagoo hodanna oo ka raalli-noqday inay kamid noqdaan kuwa hadhay [xaaska] wuxuuna Eebbe daabacay quluubtooda waxna ma oga.

 

Jahaadkuna ma aha in cid walba lagu dhibi ee waxaa uun laga rabaa ciddii awoodda, saas darteed dambi ma saarra kuwa tabarta yar, kuwa buka, kuwaan helayn waxay ku bixiyaan Jahaadka, hadday niyad-samaadaan, sidoo kale dambi ma saarra kuwii Nabiga u-yimid iyagoo warsan inuu siiyo gaadiid ay ku jahaadaan, markaas noqday iyagoo ooyi oo walbahaarsan inayna helin waxay bixiyaan, waxaase jid lagu leeyahay kuwa xoolaha leh oo jeclaaday inay kamid noqdaan kuwa iska fadhiistay, waana kuwo la daabacay qalbigooda oon wax ogayn, taasina waxay muujin waajibnimada Jahaadka, difaaca Xaqa iyo Diinta Islaamka, iyo inaan waxba laga hagranin u-shaqaynta Diinta iyo Xaqa. At-Tawbah (91-93)

 

  1. Way idiin cudur-daaran markaad u noqotaan xaggooda, waxaad dhahdaan, “Ha cudur-daaranina idiin rumeyn meynee, wuu nooga warramay Eebbe xaalkiinne, Eebbana wuu arkaa camalkiinne iyo Rasuulkiisu, markaasna waxaa laydiin celin Eebbaha og waxa maqan iyo waxaa muuqdaba oo idiinka warrami waxaa camal-falayseen.
  2. Way idiin dhaaran markaad u gaddoontaan xaggooda inaad ka jeedsataan ee iskaga jeedsada iyagu waa wasakhe hoygooduna waa Jahannamee waana ka abaal-marin waxay kasbanayeen.
  3. Way idiin dhaaran inaad ka raalli noqotaan, haddaad ka raalli noqotaan Eebbe kama raalli noqdo qawmka faasiqiinta ah.

 

Markay Muslimiintii u baxeen dagaalkii iyo Jahaadkii Tabuuk munaafiqiintii way iska hadheen iyagoo wax dana ah sheegsheegan, markay Muslimiintii kusoo noqdeen Madiinnana waxay billaabeen munaafiqiintii inay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ay u cudur-daarani Eebbase waa ogyahay dhaartooda beenta ah iyo cudurdaarkooda aan wax-ka-jirin oy ku dooni inay ku raalli-galiyaan Muslimiinta, waase kuwo xun oo gali Naarta Jahannamo, Eebbana kama raalli aha camalkooda. Taasina waxay kuu adkeyn sidaan wax badan soo sheegnay inaan munaafiq, gaal, diin-laawe iyo Muslim waxba ka dhaxaynin isku ujeeddana ahayn, kala qaadeenna labo waddo oo kala duwan. At-Tawbah (94-96)

 

  1. Reer baadiyahaa ugu daran gaalnimada iyo munaafaqnimada, mudanna inayna waxba ka ogayn xuduudda [soohdimaha] waxa Eebbe kusoo dejiyey Rasuulkiisa, Eebbena waa oge fal san.
  2. Reer baadiyaha waxaa kamid ah kuwo ka-yeelan waxay bixin dayn-bax oo kale, oo idin la sugi dhibaato korkooda ha ahaato wareegga xumaanta, Eebbana waa maqle og.
  3. Reer baadiyaha waxaa kamid ah kuwa rumeyn Eebbe iyo maalinta Aakhiro kana yeelan wuxuu bixin dhawaansho Eebbe agtiisa, iyo u ducaynta Rasuulka [iyaga] taasi waa dhawaanshahooda wuxuuna galin Eebbe naxariistiisa, illeen Eebbe waa dambi-dhaafe naxariista.

 

Dadkii reer Madiina ma wada sinnayn isku midna ma aha, waxaa kamid ahaa reer-baadiyaha kuwo gaalnimada iyo munaafiqnimada ku fogaaday oo jaahiliin ah, iyo kuwo waxa la faray inay bixiyaan oo zaka ah iyo wixii lamid ah kala mid yeeli dayn-gud oo kale oo culays ku yahay xumaanna la jecel Muslimiinta, kuwaas balaayadu haku dhacdo. Waxaase kamid ahaa reer-baadiyihii Madiina kuwo rumeeyey Eebbe, Aakhiro, waxay bixinna ka yeelan sadaqo iyo dhawaansho Eebbe iyo in Rasuulku u duceeyo, waxayna u noqon sadaqo iyo u-dhawaansho Eebbe, wuxuuna gelin Eebbe naxariistiisa. Saasayna u kala tageen Muslim iyo munaafaq iyo gaal, Muslim wuxuu mudan yahay liibaan, guul iyo naxariista Eebbaha awoodda leh. At-Tawbah (97-99)

 

  1. Kuwii ku dheereeyey [khayrka] ee horreeyey oo kamid ah Muhaajiriinta iyo Ansaar iyo kuwii ku raacay wanaagga Eebbaa ka raalli noqday iyana way ka raalli noqdeen, wuxuuna u darbay Jannooyin ay socoto dhexdeeda wabiyadii iyagoo ku waari waligood, taasina waa liibaan wayn.
  2. Gaararkiinna waxaa kamid ah reer-baadiye munaafiqiin ah, reer Madiinana [waa kamid] waxay ku madax taageen munaafaqnimo, ma ogidin annagaase og, waxaannu cadaabi labo jeer, markaasaa loo celin cadaab wayn.
  3. Kuwo kalana waxay qirteen dambigooda, waxayna isku khaldeen camal fiican iyo mid kale oo xun, Eebbe wuxuu mudan yahay inuu ka tawbad-aqbalo, illeen Eebbe waa dambi-dhaafe naxariista.

 

Kuwii wanaagga ku horreeyey oo Muhaajiriintii iyo Ansaar kamid ah iyo inta wanaagga ku raacda Eebbaa ka raalli noqda, iyana way ka raalli noqdaan, wuxuuna u darbay Jannooyin ay ku waari waligood, waana liibaanta u wayn, mar kale waxay aayaduhu ka warrameen in gaararka magaalada Madiina ahaayeen munaafiqiin, xataa magaalada dhexdeeda waxaa jiray kuwo ku dheeraaday munaafaqnimada dadkuse ma oga ee Eebbe un baa og wuxuuna u ciqaabi si daran, kuwo kale yaase jiray oo isku daray camal fiican iyo mid xun qirtayna dambigoodii mudanna in Eebbe u dambi-dhaafo. Ruuxuna hadduu dambaabo waa inuu Eebbe si dhab ah ugu noqdaa uguna tawbad-keenaa. At-Tawbah (100-102)

 

  1. Ka qaad xoolahooda xaggooda sadaqo [zakada] ood ku daahirin kuna nadiifin una ducee illeen ducadaadu waxay u noqon xasile, Eebbana waa maqle og.
  2. Miyayna ogayn in Eebbe ka aqbalo tawbadda addoomadiisa kana qaado sadaqada [aqbalo] iyo in Eebbe yahay kan tawbad aqbalka badan ee naxariista.
  3. Waxaad dhahdaa, “Camal fala wuu arki Eebbe camalkiinna iyo Rasuulkiisu iyo mu‘miniintu waxaana la idiin celin xagga [Eebbaha] og waxa maqan iyo waxa jooga idiinkana warrami [abaal-marin] waxaad falayseen.
  4. Kuwo kalana waxaa dib loogu dhigay amarka Eebbe inuu cadaabo iyo inuu ka tawbad-aqbalo, Eebbana waa oge falsan.

 

Eebbe wuxuu faray Rasuulkiisa (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu ka qaado xoolaha Muslimiinta zako uu ku daahirin uguna ducayn, illeen ducadiisu waa xasilloonida Muslimiintee, zakaduna ma aha wax la dhaafi karo ama la fudaydsan karo, Nabiguna (naxariis iyo nabad galyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu ahaa mid u duceeya ruuxii zako keena, sidii haweenaydii uu ku yidhi, “Eebbe ha u naxariisto adiga iyo ninkaagaba.” Eebana wuxuu ka aqbalaa adoomadiisa sadaqaduu ka qaado, wax kastoo la fali waa la arki waxaana dadka loo celin Eebbaha og waxa maqan iyo waxa jooga uu kana abaal-marin, waxaana xadiith ku sugnaaday, “Haddii ruux camal ku falo dhagax aan albaab iyo daaqad lahayn wuxuu u muujin Eebbe dadka meeshuu doono ha ahaadee. Taasina waxay muujin naxariista Eebbe, adayga zakada ogaanshaha Eebbe wax walba, u-ducaynta dadka zakada bixiya. Aayadaha danbana waxay ka warrami dad dib uga dhacay duullaankii Tabuuk markay tawbad-keeneenna xaalkoodii dib Eebbe u dhigay ugu danbayntiina Eebbe wuu ka aqbalay tawbadii illeen Eebbe waa naxariistee, inkastoy xun tahay in Jahaadka laga hadho ama laga wahsado. At-Tawbah (103-106)

 

  1. Waxaa kamid ah kuwo u yeeshay masaajid gaalnimo, kala-goynta mu‘miniinta iyo darbidda cid la dagaallanta Eebbe iyo Rasuulkiisa mar hore waxayna ku dhaaran inaanaan doonayn waxaan wanaag ahayn Eebbana waa ogyahay inay been sheegi.
  2. Ha joogsan dhexdiisa waligaa. Masaajid lagu billaabay maalintii horaba dhawrsasho yaa mudan inaad joogsato dhexdiisa [masaajidka Nabiga iyo Quba] waxaa dhex jooga niman jecel inay is-daahiriyaan Eebbana wuu jecel yahay kuwa is-daahiriya.
  3. Ma ruux ku billaabay dhismihiisa ka dhawrsasho Eebbe iyo raalli noqoshadiisa yaa khayr-roon mise ruux ku billaabay dhismihiisa god dumi dhinaciis oo kula dhici Naarta Jahannamo Eebbana ma hanuuniyo qawmka daalimiinta ah.
  4. Kama tago dhismahooda ay dhiseen inuu ku jiro shaki quluubtoodu intay ka kala go’do [dhimatana] quluubtoodu, Eebbana waa oge falsan.

 

Aayaduhu waxay soo dageen mar nin munaafaq ahaa oo dhib badnaa oo la dhihi jiray Abuu Caamir uu ka dhisay masaajidka Quba ee Madiina agtiisa uuna masaajid ku magacaabay si ciddii xumi ugu gabbato ama ugu shiraan dhibka Muslimiinta, kuna kala geeyo Muslimiinta. Eebbana wuu ka reebay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu ku tukado, illeen waxaa loo dhisay dhib Muslim iyo gaalnimee iyo xumaane, waxaase mudan in lagu tukado masaajidka khayrka iyo wanaagga lagu billaabay markii horaba, dad nadiif ah oo Eebbe jecel yahayna ku tukadaan, isku-midna ma aha dhismo khayr iyo dhismo shar oo dumi oo Jahannamo ku ridi ciddii dhista, oo shaki, munaafaqnimo iyo xumaan beeri, halkaasna waxaa kaaga muuqda xumaanta kala-gaynta Muslimiinta haba lagu kala-geeyo magac khayr u muuqdee, sida masaajidka iyo waxyaabo kale, waxaase fiican oo waajib ah isku-duubnida Muslimiinta. At-Tawbah (107-110)

 

  1. Eebbe wuxuu kaga gatay mu’miniinta naftooda iyo xoolahooda inay Janno u ahaato iyagoo ku dagaallami Jidka Eebbe oy waxna dili iyana la dili, waana yabooh ku sugan [dhab ah] Tawreed iyo Injiil iyo Qur’aanka, yaa ka oofin badan ballankiisa Eebbe? Ku-bishaaraysta gadiddii ood gaddeen kaasina waa uun liibaanta wayn.
  2. Waa kuwa tawbad-keena, ee caabuda [Eebbe] ee mahdiya, ee saa‘ixiinta ah [sooma oo jahaada] ee rukuuca ee sujuuda, ee fara wanaagga reebana xumaanta, ee dhawra xuduudda Eebbe, ee u-bishaaree mu‘miniinta.

 

Eebbe waa naxariis badan yahay, isagaa abuuray dad, xoolaha, isagaana leh oo hanta naftooda, iyo xoolahooda, iyo Jannaba, haddana kaga gatay mu‘miniinta naftooda iyo xoolahooda Janno, hadday jahaadaan oy Xaqa daafacaan, ama wax ha dileen ama iyaga hala dilee, waana yabooh adag oo Eebbe ku yaboohay Tawreed, Injiil, iyo Qur’aanka, wax Eebbe ka oofin badan ballanna ma jiro, ee ciddii ballan ka qaadda haku bishaaraysato iibkooda ah liibaanta u wayn, kuwaasuna waa kuwa tawbad-keena, ee Ilaah caabuda, ee mahdiya, ee sooma, jahaadana khayrkana u socdaala, ee salaadda ku dadaala, samahana fara, xumaantana reeba, dhawrana xuduudda Eebbe, waana loo bishaareeyey mu‘miniinta. Aayaduhuna waxay muujin qiimaha Jahaadka, naxariista Eebbe, sharafta iyo wanaagga mu‘miniinta, faridda wanaagga, reebidda xumaanta iyo bishaarada mu‘miniinta. At-Tawbah (111-112)

 

  1. Kuma habboona Nabiga iyo kuwa rumeeyey [Xaqa] inay u dambi-dhaaf warsadaan mushrikiinta [gaalada] haba ahaadeen qaraabadoodee intay u caddaatay kadib inay ehelka Naarta Jaxiima yihiin.
  2. Ma ahayn u dambi-dhaaf dooniddii [Nabi] Ibraahiim aabbihiis ballan uu u yaboohay mooyee, markayse u caddaatay inuu col Eebbe yahay wuu iska bari yeelay xaggiisa [Nabi] Ibraahiim wuxuu ahaa duco [baryo] badanaha [Eebbe] oo dul badan.
  3. Eebbana ma aha mid dhumiya qawm intuu hanuuniyey kadib intuu uga caddeeyo waxay ku dhawrsadaan, Eebbana wax kasta waa ogyahay.
  4. Eebbena waxaa u-sugnaaday xukunka samooyinka iyo dhulka isagaana wax nooleeya waxna dila, isagaana wax kasoo hadhayna oo wali ah ama gargaara ah ma lehidiin.

 

Geeridii Abuu Daalib yey soo degtay aayaddu, wuxuuna Eebbe reebay in loo dambi-dhaaf warsado cid ku dhimatay waxaan Islaamka ahayn qaraababa ha ahaatee, mar hadday caddaato inay Naarta ehelkeeda noqon, Nabi Ibraahiimse wuxuu uun u yaboohay aabbihiis inuu u dambi-dhaaf warsan markayse u caddaatay inuu col Eebbe yahay wuu iska bari yeelay illeen Nabi Ibraahiim wuxuu ahaa tawbad-keen badane dulsan. Caddaaladda Eebbana waxaa kamid ah inuusan cidna dhuminin isagoon u caddaynin waxa Xaqa ah oy ku dhawrsadaan, illeen wax walba wuu ogyahaye, wuxuuna leeyahay xukunka samooyinka iyo dhulka, waxna waa dilaa waxna nooleeyaa, wax kasoo hadhay oo gargaarina ma jiro. Taasina waxay muujin awoodda Eebbe iyo inaan cidna isku hallayn wanaagga cid kale iyo inaan jacayl cidna lagu hanuunin karin. At-Tawbah (113-116)

 

  1. Wuxuu Eebbe ka tawbad-aqbalay Nabiga, Muhaajiriinta iyo Ansaartii raacday saacaddii cidhiidhiga intay u dhawaatay inay iilato quluub koox kamid ah kadib, markaasuu ka tawbad-aqbalay, illeen waa u-turaha u naxariistee.
  2. Saddexdiina wuu [ka tawbad aqbalay] la dib-mariyey intuu kaga cidhiidhyamo dhulku isagoo waasac ah, kuna cidhiidhyantay naftoodu una maleeyeen [yaqiinsadeen] inayna jirin meel la magan-galo oon Eebbe ahayn, markaas Eebbe ka tawbad aqbalay inay tawbad-keenaan, Eebbana waa tawbad-aqbale naxariista.
  3. Kuwa Xaqa rumeeyow, ka dhawrsada Eebbe noqdana la-jirka kuwa runta badan.

 

Aayadahani waxay kusoo degeen duullaankii Tabuuk, wuxuuna ahaa waqti aad u daran oo kulul, oo socdaal dheer, illeen Madiina iyo Tabuuk waa kala dheer yihiin marka lug lagu socdee, wuxuuna Eebbe waafajiyey wanaagga Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) iyo Muhaajiriintii iyo Ansaartii raacday saacaddii dhibka markay u dhawaatay in quluub dad badan iilato oo leexato Eebbase ka tawbad-aqbalay illeen waa u-turaha naxariistee. Saddexdii la dib-mariyeyna Eebbaa ka tawbad aqbalay oo kala ahaa: Kacab binu Maalik, Maraaro binu Rabiic iyo Hilaal binu Umayya, waxayna ahaayeen niman fiicane markaas un bay naftoodu sirtay wayse run sheegeen Eebbana waa ka-tawbad-aqbalay, markay naftoodii la cidhiidhyantay, dhulkuna ku yaraaday isna-neceen, waxaana lala hadlin kontan maalmood wax ku dhaw, arrintaasuna waxay caddayn in Jahaadka loo darbado loona baxo markuu waajibo, in runta la sheego laguna socdo, Eebbana lagu xidhnaado, loona tawbad-keeno, kuwa runta sheega ee fala lala jiro, Muslimiintana aan la khayaamin, lana guntin-furin iyo in la edbiyo ciddii fasha waxyaalaha kala guntin-fura Muslimiinta. At-Tawbah (117-119)

 

  1. Kuma habboona [uma bannaana] reer-Madiino iyo kuwa gaararkeeda ah oo baadiyaha Carbeed ah inay ka gadaal-maraan Rasuulka Eebbe oy kana jeclaadaan naftooda naftiisa, illeen wixii ku dhaca oo oona, ama dhib ah ama gaajo ah Jidka Eebbe dhexdiisa ama meeshey ku joogsadaan oo cadho galin gaalada iyo waxay gaadhsiiyaan colka [dhammaan] waxaa loogu dhigi camal suubban, Eebbana ma halleeyo ajirka samo-falayaasha.
  2. Waxay bixiyaan oo yar ama wayn iyo togay gooyaanna waa loo qori inuu ka abaal-mariyo Eebbe wanaagga waxay falayeen.
  3. Mana aha inay mu‘miniinta oo dhan baxaan, ee may koox kastaba qaar ka baxdo inay Diinta kasaan, una digaan dadkooda markay usoo noqdaan waxay u dhawdahay inay digtoonaadaane.

 

Aayadahanna wuxuu Eebbe ku caddayn inayna ku habboonayn reer-Madiino iyo kuwa daggan gaararkeeda inay ka gadaal-maraan Rasuulka markuu Jahaadka u baxo, kana jeclaadaan naftooda naftiisa, wixiise lagala kulmo Jidka Eebbe oo ah oon, dhib, gaajo ama meel kasta oo la maro oo gaalada ka cadhaysa ama wixii dhiba oo gaalada lagala kulmo wuxuu Eebbe ugu qori camal fiican, Eebbana ma halleeyo ajir iyo wanaag cidda fasho, sidoo kale wixii bixin ah ama ha yaraato ama ha waynaato iyo toggay gooyaan waxaa loogu qori ajirka u wanaagsan. Mana aha inaan cidna magaalada ku hadhin ee Jahaad loo wada baxo ee waa in si nidaam ah iyo qorsha ah qaarna u baxaan qaarna u maamulaan dadka iyo magaalada si ciddii baxday markay soo noqoto ay dadka wax ugu faa‘iideeyaan, taasina waxay ku tusin in Diinta Islaamku tahay Diin nidaam. At-Tawbah (120-122)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, la dagaallama kuwa idinla xidhiidha ee gaalada ah, hana idinka heleen adayg, ogaadana in Eebbe la-jiro kuwa dhawrsada.
  2. Marka lasoo dejiyo suurad waxaa kamid ah kuwo [munaafiqiin ah] dhihi, “Kiinnay u-kordhisay iimaan?” Kuwa Xaqa rumeeyeyse waxay u kordhisay iimaan iyagoo bishaaraysan.
  3. Kuwa quluubta ka bukase waxay u kordhisaa xumaan xumaantoodii [kale] wayna dhintaan iyagoo gaalo ah.
  4. Miyeyna arkayn in la imtixaamo sanad kasta hal jeer ama labo jeer markaas ayan tawbad-keenin xusuusanaynna?
  5. Marka lasoo dejiyo suurad way dayaan munafiqiinta qaarkood qaar waxayna is-dhahaan “Ruuxna maydin arkaa?” markaasay gaddoomaan, Eebbe ha iilo quluubtooda illeen waa kuwo aan wax kasayn.
  6. Waxaa idiin yimid Rasuul idin kamid ah oyna ku daran tahay waxa idin dhiba, idiin kuna dadaali, una turid iyo naxariis badan mu’miniinta.
  7. Haddayse jeedsadaan dadku waxaad dhahdaa kaalmeeyahaygu waa Ilaahay, Eebbe mooyee ilaah kalana [xaq lagu caabudo] ma jiro isagaana talo saartay waana Eebbaha Carshiga wayn.

 

Aayadda hore waxay fari in lala jahaado gaalada la-dariska ah Muslimiinta illeen dhib iyo xumaan lagama waayee, oy kuna ogaadaan Muslimiinta adayg iyo xoog, illeen Eebbaa la jiree, tan kale waxay ka warrami munaafiqiintii marka Qur’aanku soo dego is-warsan jiray ruuxuu wax rumayn ah u kordhiyey, mu‘miniintase waxaa u kordha iimaan koodii hore ka-sokow, munaafiqiintuse cudur iyo xumaan yey kororsadaan, iyagoo gaalo ah yeyna dhintaan, kumana waana qaataan imtixaanka had iyo jeer, wayna cararaan oo dusaan marka Qur’aan lasoo dejiyo illeen qalbigoodaa Eebbe iilay waxna ma kasayaane, wuxuuna Eebbe usoo diray Muslimiinta Rasuul kamid ah oo wanaaggooda jecel xumaantoodana neceb, una dadaala mu‘miniinta, una naxariis badan, ciddiise Xaqa ka jeedsata waxba kama saarra, illeen Eebbaa kaafiyee, isaga mooyee ilaah kalana ma jiree, lana talo saaran, lehna awood iyo Carshiga wayn, saasayna ku dhammaatay suuraddii iyadoo caddaysay wax badan oo Jahaad, wax-bixin, ballanka, munaafiqiin, iyo inuu Rasuulku yahay naxariis loosoo diray caalamka khayrna la jecel. At-Tawbah (123-129)

 

Suurat Yuunus

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Alif. Laam. Raa. [Waxay ku tusin mucjisada Qur’aanka.] Taasina waa aayaadka Kitaabka falka san.
  2. Dadka ma waxaa la-yaab ku noqotay inaan u waxyoon nin kamid ah u-dig dadka, uguna bishaaree kuwa rumeeyey inay ku leeyihiin camal fiican Eebbahood agtiisa, waxay dheheen gaaladiina, “Kani waa sixirrow cad.”
  3. Eebbihiin waa kan ku abuuray samooyinka iyo dhulka lix maalmood markaas ku istiwooday Carshiga isagaana maamula amarka wax shafeecina idinkiisa la‘aantiisa ma jiro, kaasi waa Eebbihiinna idin barbaariya ee caabuda, miyeydaan wax xusuusanayn?

 

Qur’aanka waxaa ku dhan xikmo iyo sharaf, gaaladuna waxay la yaabeen in ruux kamid ah lagusoo dejiyo waxyi inuu u-digo dadka una bishaareeyo kuwa Xaqa rumeeyey ee wanaag ku leh Eebbe agtiisa, gaaladuna waxay ku sheegeen in Nabigu saaxir yahay, Eebbaha Xaqa ahna waa kan abuuray cirka iyo dhulka isagoo awood, sharaf iyo qudraba mudan, isagaa wax maamula, wax shafeeci kara idinkiisa la‘aantiisna ma jiro, isagaana mudan in la caabudo. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Markuu Eebbe bixiyey Nabiga Muxamad ah (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yey beeniyeen Carabtu iyagoo sheegi in Eebbe ka wayn yahay inuu soo diro Nabi dad ah, markaasaa Eebbe soo dejiyey aayadda. Taasina waa doqonnimadii iyo madax-adaygoodii, maxaa yeelay dad waa in uun dad loo soo diro si uu u toosiyo. Yuunus (1-3)

 

  1. Xaggiisaa laydiin celin dhammaan yabooha Eebbena waa Xaq, Eebbaa billaaba abuurka haddana soo celin inuu ku abaal-mariyo kuwa rumeeyey [Xaqa] oo falay camal fiican, si caddaalad ah, kuwa gaaloobayna waxaa u sugnaaday cabbid kulul iyo cadaab daran gaalnimadooda darteed.
  2. Eebbe waa kan ka yeelay qorraxda ifid dayaxana nuur una qaddaray meelo ay socdaan, inaad ogaataan tirada sanooyinka iyo xisaabta wuxuu u abuuray Eebbe arrintaas xaq wuxuuna u caddayn aayaadka ciddii wax og.
  3. Is-baddalka habeenka iyo maalinta iyo abuurka Eebbe ee samooyinka iyo dhulka aayad baa ugu sugan ciddii dhawrsan.

 

Xagga Eebbaa loo noqon dhammaan, yabooha Eebbana waa dhab oo ah in si caddalad ah loogu abaal-mariyo kuwa wanaaggaa falay Janno kuwa gaaloobayna cadaab daran. Eebbana waa kan dadka ugu nicmeeyey qorraxda ifi iyo dayaxa nuuri si waqtiga iyo xisaabta loogu garto, habeenka iyo dharaarta is-baddelkeedana iyo abuurka cirka iyo dhulka waxaa ku sugan calaamooyin muujin xaqnimada Eebbe iyo awooddiisa, ciddii caqli leh oo Eebbe nuur u geliyey qalbiga wuxuu yaqiinsan waynida awoodda Eebbaha abuuray cirka, dhulka, qorraxda, dayaxa iyo khalqiga kalaba mudanna in la caabudo. Yuunus (4-6)

 

  1. Kuwaan rajaynayn la-kulankannaga kuna raalli-noqday nolosha dhaw kuna xasilay iyo kuwa halmaansan aayaadkannaga.
  2. Kuwaas hoygoodu waa Naar waxay kasbanayeen darteed.
  3. Kuwa rumeeyey Xaqa oo falay camal wanaagsan wuxuu ku hanuunin Eebbahood iimaankooda waxaana socon dhexdooda wabiyadii Jannooyinka naciimo dhexdeeda iyagoo ku sugan.
  4. Yeedhidooduna dhexdeeda waa Eebbow waad nazahan tahay, bariidadooduna waa [nabadgalyo] salaan, ducadooduna waxaa ugu dambayn mahad Ilaah baa leh Eebbaha caalamka ah.
  5. Hadduu Eebbe u dedejiyo dadka xumaanta siday khayrka u dedejistaan waxaa loo dhammayn lahaa ajashooda, waanuse ku dayn kuwaan rajaynayn la-kulankannaga fasaadkooda iyagoo ku wareersan.

 

Wuxuu Eebbe kaga warramay aayadahan xaalka kuwaan Eebbe la-kulankiisa rajaynayn, oo adduunyada ka raalli-noqday, kuna xasilay, halmaamayna aayaadka Eebbe ee Naari u sugnaatay, iyo kuwa rumeeyey Xaqa wanaaggana falay oo iimaankoodu hanuunin Jannada nicmadeedana ku waari, hadalkooduna yahay xuska Eebbe iyo salaan iyo mahad Eebbe, waana labo kooxood oo kala fog, oo midna khasaaray midna liibaanay. Tan kale hadduu Eebbe ugu dedejiyo dadka xumaanta sida khayr waa la dhammayn lahaa, wuxuuse u dayn daalimiinta xumaanta iyagoo ku indha-la‘ mana ku habboona ruux caqli leh inuu dedejisto shar iyo xumaan, waxaana xadiith ah: “Naftiinna, carruurtiinna iyo xoolihiinna ha habaarina ood waafaqdaan saacad ijaabo oo laydinka aqbalo.” Yuunus (7-11)

*hoostooda ama hortooda

 

  1. Markuu taabto dadka dhib wuu na baryayaa isagoo jiifa, ama fadhiya ama taagan, markaan ka faydno dhibkana wuu iska socdaa sidii isagoon na baryinba dhibkii taabtay, saasaa loogu qurxiyey xad-gudbayaasha waxay falayeen.
  2. Waxaan halaagnay quruumo idinka horreeyey markay dulmi faleen, waxayna ula timid Rasuulladoodii xujooyin, mana ayan rumeynayn, saasaana ku abaal-marinaa qawmka dambiilayaasha ah.
  3. Markaasaan idinka yeelay kuwo u hadha dhulka gadaashood inaan eegno sidaad fashaan.

 

Waxaa dadka dabeecaddiisa kamid ah in markuu bukoodo ama dhib taabto uu Eebbe baryaa isagoo jiifa ama fadhiya ama taagan, markuuse ka faydo dhibka uu iska dhaqaaqo sidii isagoon dhib taaban ama aan Eebbe horay u baryin, saasna waxaa loo qurxiyey xad-gudbayaasha, wuxuuna Eebbe halaagay ummado ka horreeyey gaaladaas markay dulmi faleen iyagooy Rasuulladoodii ula yimaadeen xujooyin oyna beeniyeen, saasuuna Eebbe ku abaal-mariyaa dambiilayaasha, idinkana laydiinku reebay dhulka gadaashood imtixaan iyo in Eebbe eego isagoo og waxa la falo. Waxaana xadiith ah, “Addunyadu waa macaan tahay waana cagaaran tahay, Eebbaana idinku reebay inuu eego waxaad fashaan, ee iska jira addunyada iyo haweenka.” Yuunus (12-14)

 

  1. Marka lagu akhriyo korkooda aayaadkannaga oo cad cad waxay dhahaan kuwaan rajaynayn la-kulankannaga, “Noo keen Qur’aan aan kan ahayn ama baddal,” waxaad dhahdaa “Igama suurowdo inaan ka baddalo agtayda, waxaan uun raaci waxa lay waxyoodo, waxaan ka cabsan haddaan Eebbe caasiyo cadaab maalin wayn.”
  2. Waxaad dhahdaa, “Hadduu doono Eebbe idinkuma akhriyeen idinmana ogaysiiyeen isaga, waxaan ku nagaaday dhexdiinna ka hor cimri ee miyeydaan wax kasayn.”
  3. Yaa ka dulmi badan cid ku been-abuuratay Eebbe ama beeniyey aayaadkiisa, illeen ma liibaano dambiilayaal?

 

Gaaladii Qureysheed ee Makkaad waxay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) marba wax warsadaan oo Xaqa ka jeedsadaanba waxay warsadeen inuu keeno Qur’aan kale oo kan ahayn, ama Qur’aanka wax ka baddalo, markaasuu Eebbe ku celiyey oo faray Nabigu inuu ku dhaho, “Iima suurowdo inaan baddalo, iskaba dhaaf inaan Qur’aan kale keenee, waxaanse raaci waxa lay waxyooday, illeen waxaan ka cabsan cadaab maalin daran haddan caasiyo Eebbahaye, waxaana jirtay inaan muddo idinla noolaa oonan wax idiin sheegin, ee Qur’aankan Eebbaa soo dejiyey, hadduu doona waxba idinkuma akhriyeen idinmana bareen ee miyeydaan wax kas ahayn?” Cid ka dulmi badanna ma jirto cid ku been-abuuratay Eebbe, ama beenisay aayaadkiisa, mana liibaano dambiile, waxayna ku tusin runnimada Qur’aanka, inuusan Nabigu iskala imaan karin waxna ka baddali karin, waxna ku dari karin, waxaad arki kartaa warkii Hiriqle, Cabdullahi binu Salaamo, Dimaam binu Thaclabo, Camar binu Caas iyo dad badan oo kale oo dhammaan sheegi runnimada Qur’aanka iyo Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee). Yuunus (15-17)

 

  1. Waxay caabudayaan Eebbe ka-sokow waxaan dhibayn anfaceyna waxayna odhan, “Kuwanu waa shafeecayaalkannaga Eebbe agtiisa,” waxaad dhahdaa, “Ma waxaad uga warramaysaan Eebbe wuxuusan ku ogayn samooyinka iyo dhulka? Wuxuu ka nazahan yahay oo ka sarreeyaa waxay la wadaajiyeen Eebbe.”
  2. Dadku wuxuu ahaa ummad kaliya markaasay is-khilaafeen, haddayan jirin kalimad Eebbahaa u horraysay waa la kala xukmin lahaa dhexdooda waxay isku diiddan yihiin.
  3. Waxay odhan gaaladu, “Maa lagaga soo dejiyo xagga Eebbahaa aayad?” Waxaad dhahdaa, “Waxa maqan Eebbe un baa iska leh, ee suga anuguna waan idinla sugiye.”

 

Eebbe wuxuu ku diidi gaaladii la-caabuday Eebbe wax kale iyagoo u-malayn inay wax tari ama u shafeeci, markaasuu Eebbe u sheegay in waxaan Eebbe ahayn wax anfacayn, wax Eebbe looga warramina uusan jirin, Eebbana wax walba oo xumaan ah waa ka nazahan yahay, dadkuna waxay ku sugnaayeen jid kaliya oo Xaqa ah, markaasay is-khilaafeen oo qaarba wax Eebbe kasoo hadhay caabudeen, Eebbase waa dul-badane oo dadka ciqaabta umasoo dedejiyo iyagoon loo caddaynin Xaqa. Waxayna codsadeen in Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) lagusoo dejiyo aayado muuqda, sidii ushii Nabi Muuse iyo hashii Nabi Saalax iyo wax lamid ah, awooddase Eebbaa iska leh, isagaana soo dejiya wuxuu doono ee suga Nabiguna waa idinla sugiye, si aad u aragtaan xukunka Eebbe iyo awooddiisa. Dhabtuna waa in gaalo dhunsan tahay, halaag iyo ciqaabna u dambayso, Xaquna cad yahay, ciddii rabtana u muuqdo, mudan yahay in la raaco, lana rumeeyo, oo lagu dhaqmo. Yuunus (18-20)

 

  1. Markaan dhadhansiinno dadka naxariis dhibaato kadib taabatay waxaa soo baxa iyagoo dhagri aayaadkannaga, waxaa degdeg badan ciqaabta Eebbe malaa‘igtannaduna way qori waxaad dhagraysaan.
  2. Eebbe waa kan idinku wada barriga iyo baddaba markay ahaadaan doonta oo ay ku socdaan dabayl fiican oo ay markaas ku farxaan oy u timaaddo dabayl daran ugana yimaado hirku dhan kasta oy una maleeyaan in la koobay [la halaagay] waxay baryaan Eebbe iyagoo u kali-yeeli Diinta iyagoo [dhihi] haddaad naga koriso tan waannu kugu mahdin.
  3. Markuu koriyeyna markaas ku xad-gudbaan dhulka xaq-darro dadow waxaad uun ku xad-gudbaysaan naftiinna, waa uun nolosha dhaw markaas xaggannagaa laydiin soo celin waxaana idiinka warramaynaa waxaad camal-falayseen.

 

Aayadahan wuxuu Eebbe kaga warrami dabeecadda dadka oo ah in marka dhibaato taabatana uu Eebbe baryo isuna dulleeyo, marka khayr iyo wanaag uu helana uu isla-waynaado oo kibro, dhagar iyo khayaamana la darbado, Eebbaase abaal-mariya oo ka jaaziya, bad iyo barribana Eebbaa iska leh mudanna cibaado, waxaase dhab ah in xumaantu ku noqon ciddii fashay Eebbana abaal-marin markuu u noqdo. Saas darteed waa in had iyo jeer Eebbe si dhab ah loo caabudo, dhibaato iyo barwaaqo, cudur iyo caafimaad iyo gaajo iyo dharagba iyo wixi lamid ah. Yuunus (21-23)

 

  1. Nolosha adduunyo waa uun biyo oo kale oon kasoo dejinnay samada oo ku dheehnay waxa kasoo baxa dhulka oo ah wuxuu dadku cuno iyo xooluhu markuu dhulku qurux ka buuxsamo oy is-qurxiso oo dadkeedu u-maleeyo inay karaan [goosashadeeda] yaa waxaa u-yimaada amarkannagii habeen ama dharaar waxaana ka yeelaa wax la shafay sidii iyadoon shalay jirin, saasaana ugu caddaynay aayaadka qawmkii fikiri.
  2. Eebbe wuxuu ugu yeedhi [dadka] guriga nabadgalyada [Jannada] wuxuuna ku hanuuniyaa cidduu doono Jid Toosan [Xaqa].
  3. Kuwa wanaagga falayna waxaa u sugnaaday wanaag [Janno Aakhiro] iyo siyaado [aragga Eebbe] mana haleelo wajigooda boodh iyo dulli midna kuwaasuna waa asxaabta [ehelka] Jannada wayna ku waari dhexdeeda.

 

Aayadda hore wuxuu Eebbe ku matalay nolosha adduunyo roob soo da‘ay oo dhulka cunno kasoo saaray mid dad cuno iyo mid xoolo cunaanba, markii dhulkii quruxsanaaday oo ubixii baxay oo dooggii is-qabsaday oo dadku u maleeyeen inuu goosan beerahoodii uu amarkii Eebbe u-yimid oo eber ka yeelay sidii iyadoon shalay wax ku oollin. Nolosha adduunyana waa uun saas oo waxay isukaa qurxisaba markay ku dhaafto ama aad dhaaftid wanaaggeed iyo quruxdeed wax ma taraan, waxaase wax tara camal fiican iyo jidka nabadgalyo waana midka Eebbe u yeedhi kuna toosiyo cidduu doono, ciddii wanaagga fashana waxay heli wanaag, Janno, aragga wajiga Eebbaha deeqda leh iyo khayr, dulmi iyo xumaanna ma arkaan, Jannadana way ku waari. Waxaa sugnaaday in marka Jannada la galo in loo dhawaaqi ehlu-Jannada in Eebbe u oofiyo ballankoodii waxayna arkaan Ilaahood waana waxa ilu ugu farax badan tahay uguna jeceshahay. Yuunus (24-26)

 

  1. Kuwa kasbaday xumaan abaalkood waa xumaan lamid ah, waxaana haleeli dulli wax Eebbe ka ilaalinna ma jiro, waxaadna mooddaa in lagu daboolay wajigooda goosin habeen oo mugdi ah, kuwaasu waa asxaabta [ehelka] Naarta wayna ku waari dhexdeeda.
  2. Ka warran maalintaan kulminaynno dhammaan markaas aan ku dhahaynno kuwii la wadaajiyey [gaaloobay) meeshiinna ahaada idinka iyo kuwaad la wadaajiseen markaasaan kala gaynay dhexdooda, waxayna dheheen kuway la wadaajiyeen [Eebbe] annaga nama aydaan caabudayn.
  3. Waxaa markhaati dhexdeenna ugu filan Eebbe inaan cibaadadiinna moogayn.
  4. Halkaasaa lagu imtixaani naf kasta waxay hor marsatay, waxaana loo celiyaa Ilaaha sayidkooda Xaqa ah waxaana ka dhumay waxay been abuuranayeen.

 

Waxaa lasoo kulmin maalinta Qiyaame dadkoo dhan, markaasaa Eebbe faraa gaalada inay halkooda joogaan iyaga iyo waxay caabudayeen, waana lakala kaxeeyaa, kuwii la caabudayeyna way dafiraan inay caabudi jireen, oy waliba Eebbe marag gashan inayan ogayn cibaadadooda, halkaasaana lagu imtixaami naf kasta waxay hor-marsatay, waxaana loo celin dadka Eebbahooda Xaqa ah, waxaana gaalada ka dhumi waxay abuuranayeen. Waxayna muujin arrintaasu sida ciddii waxaan Eebbe ahayn caabudda ama raacda ay isu-dafiri maalinta Qiyaame, wax ay isu-tarina ma jiro. Saas darteed waa in Eebbe sharcigiisa la raaco loona hoggaansamo. Yuunus (27-30)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Yaa idinka arzaaqa samada iyo dhulka, yaana hanta maqalka, aragyada, yaana kasoo bixiya wax nool wax dhintay, kanasoo bixiya wax dhintay wax nool, yaana maamula amarka waxay ku odhan Eebbe?” Waxaad dhahdaa, “Miyeydaan dhawrsanayn?”
  2. Kaasi waa Ilaahiin Eebbihiinna Xaqa ah, maxaase Xaqa ka dambeeya [ka duway] oon baadi ahayn, ee xaggee laydiin leexin?
  3. Saasay ugu waajibtay Kalimaddii Eebbahaa kuwa faasiqoobay oo ah inayan rumeynin [Xaqa].
  4. Waxaad dhahdaa, “Ma kamid yihiin shurakadiinna cid billowda abuurka soona celiya?” Waxaad dhahdaa, “Eebbaa billaaba khalqiga soona celiya ee xaggee loo iili?”
  5. Waxaad dhahdaa, “Ma kamid yahay shurakadiinna cid ku hanuunin Xaqa?” Waxaad dhahdaa, “Eebbaa ku hanuunin Xaqa, mase mid ku hanuunin Xaqa yaa mudan in la raaco mise midaan hanuuninayn in la hanuuniyo mooyee? Maxaad leedihiin sideed xukumaysaan?”
  6. Mana raaco badankoodu waxaan malo ahayn, malana waxba kama taro Xaqa, Eebbana waa ogyahay waxay falayaan.

 

Aayaddu waxay ka warrami sida Eebbe ugu samo-falay dadka una arzuqay maqal iyo aragna u-siiyey, iyo awoodda Eebbe iyo inuu isagu wax maamulo, waana Eebbaha Xaqa ah ee sugan, wax kale oo awood lehna ma jiro, illeen Eebbaa khalqiga billaabay soona celine, isagaana hanuuniya dadka, mudanna in la raaco oo la caabudo, gaaladuse waxaan malo ahayn kuma socdaan, malo iyo shakina waxba Xaqa kama taraan Eebbana waa ogyahay waxay fali Xaq-diidayaashu. Taasina waxay muujin in Eebbe uun yahay kan awoodda leh, mudanna in la caabudo, sharcigiisana la raaco, illeen isagaa wax hanuuniyee. Yuunus (31-36)

 

  1. Ma aha Qur’aankanu mid laga been-abuurtay Eebbe ka-sokow, waase u-rumeeyaha wixii ka horreeyey iyo caddaynta Kitaabka [xukunka] shakina kuma jiro wuxuuna ka ahaaday Eebbaha caalamka.
  2. Mise waxay odhan ‘wuu been-abuurtay’? Waxaad dhahdaa, “La-imaada suurad lamid ah una yeedha ciddaad kartaan oo Eebbe kasoo hadhay haddaad run sheegaysaan.”
  3. Waxayse beeniyeen waxayna cilmigiisa koobin [Qur’aanka] uusanna wali u imaanin aayahiisu saasayna u-beeniyeen kuwii ka horreeyey ee bal day siday noqotay cidhibtii daalimiinta.
  4. Waxaa kamid ah dadka mid rumeyn Qur’aanka iyo midaan rumaynayn Eebbana waa ogyahay mufsidiinta.

 

Qur’aankuna waa Xaq sugan oo Eebbe soo-dejiyey, una rumeyn Xaqii ka horreeyey, waana Xaq caddeeye, shakina kuma jiro, Nabiguna iskalama imaanin, iyaba ha keeneen suurad lamid ah intay u kaalmaystaan cidday doonaan hadday run sheegi, waxayna beeniyeen waxayna cilmigiisa gaadhin isagoon wali fasirkiisii u imaanin, waxayse lamid yihiin kuwii ka horreeyey ee beeniyey Xaqii ee daalimiinta ahaa lana haiaagay, cidna way rumeyn Qur’aanka, midina way beenin, Eebbaase og mufsidiinta. Yuunus (37-40)

 

  1. Hadday ku beeniyaan waxaad dhahdaa, “Anugu waxaan leeyahay camalkayga idinkuna camalkiinna idinku bari baad ka tihiin waxaan fali anna bari baan ka ahay waxaad falaysaan.”
  2. Waxaa kamid ah gaalada kuwo ku dhagaysan, ma adaa wax maqashiin kara mid dhaga-la‘ oon wax kasayn.
  3. Waxaana kamid ah mid kusoo dhawri, ma adaa toosin kara mid indha-la‘ oon wax arkayn.
  4. Eebbe kama dulmiyo dadka waxba, hasa yeeshee dadkaa naftiisa dulmiya.
  5. Maalinta la kulminna waxay lamid noqon iyagoon nagaanin saacad maalin mooyee, wayna is-aqoonsan dhexdooda, waxaana khasaaray kuwa beeniyey la-kulanka Eebbe mana hanuunsanayn.

 

Wuxuu Eebbe faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu u sheego gaalo hadday beeniyaan inuu bari ka yahay camalkooda, iyana ay bari ka yihiin camalkiisa, cid dambi cid kale qaadina ayan jirin, cid Xaqa ka indha-la‘ iyo mid ka dhaga-la‘na cid wax tusi ama maqashiin ma jirto, Eebbana cidna ma dulmiyo, dadkaase naftooda dulmiya, maalinta lasoo kulminna waxay lamid noqon iyagoon nagaanin saacad maalmeed mooyee. Wayna is-aqoonsan, waxaana khasaaray kuwa beeniyey la-kulanka Eebbe mana hanuunsana. Yuunus (41-45)

 

  1. Haddaan ku tusinno waxaannu ugu goodin qaarkiis ama aan ku oofsanno xaggannaga un baa loosoo celin, markaasna Eebbaa ka marag ah waxay falayaan.
  2. Ummad kasta Rasuul bay leedahay, markuu u yimaado Rasuulkooduna waxaa lagu kala xukmin caddaalad lamana dulmiyo.
  3. Waxayna odhan gaaladu, “Waa goorma yaboohaas [gooddiga] haddaad run sheegaysaan.”
  4. Waxaad dhahdaa, “Uma hanto naftayda dhib iyo nafci midna wuxuu Eebbe doono mooyee, ummad kastana waxay leedahay ajal [muddo] markay ajashoodu timaaddana lagama dib mariyo saacad lagamana hor-mariyo.”

 

Hadduu Eebbe tusiyo Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) isagoo nool ciqaabta gaalada ku dhici waa wanaag, haddii kalana xagga Eebbe un baa loosoo celin gaalada, Eebbana waa u marag waxay fali. Ummad kasta oo Rasuul loosoo diro markuu u yimaado Rasuulkoodu waxaa lagu kala xukmin dhexdooda caddaalad lamana dulmiyo, waxayse odhan waa goorma yaboohu haddaad run sheegaysaan, wuxuuna Eebbe faray Rasuulka (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu u sheego inuusan hananin dhib iyo nafci midna, wuxuu Eebbe doono mooyee, ummad kastana waxay leedahay muddo ayna ka hor-maraynin kana dib-dhacaynin. Taasina waxay sheegi in awoodda iyo ogaanshuhuba Eebbe iska leeyahay. Yuunus (46-49)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Bal ka warrama hadduu idiinku yimaado cadaabkiisu [Eebbe] mir ama maalin maxay ka dedejisan xaggiisa dambiilayaashu?”
  2. Mise markuu dhacaad rumaynaysaan hadda idinkoo dedejisanayey.
  3. Markaasaa lagu odhan kuwii dulmi falay, “Dhadhamiya cadaabka waaridda, miyaana laydinka abaal-marinin waxaad kasbanayseen mooyee?”
  4. Waxay ku warsan, “Ma xaq baa isagu?” Dheh “Haa, Eebbahay baan ku dhaartaye isagaa Xaq ah, idinkuna ma tihidiin kuwo [Eebbe] daalin.
  5. Hadday naf kasta oo dulmi fashay leedahay waxa dhulka ku sugan way isku furan lahayd, waxayna qarsan gaaladu shalayto markay arkaan cadaabka, waxaana lagu kala xukmin dhexdooda xaq lamana dulminayo.

 

Cadaabka Eebbe wax la-dedejisto ma aha, illeen markuu dhaco calaacal iyo waan rumeeyey wax ma tartee, waxaase lagu odhan kuwii dulmi falay dhadhamiya cadaabka waaridda waxaad kasbaneyseen un baa laydinka abaal-marine. Waxayna gaaladu Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) warsanayeen, “Ma xaq baa Qur’aanku?” Waxaana Eebbe faray inuu yidhaahdo, “Haa waa xaq, Eebbahay baan ku dhaartaye, waxna ma daalisaan hadday nafu hanato iyadoo dulmi fashay waxa dhulka ku sugan way isku furan lahayd, waxayna qarsadaan qoomamo markay arkaan cadaabka waxaana lagu kala xukmin caddaalad lamana dulmiyo.” Taasina waxay muujinaysaa xaqnimada Qur’aanka iyo Nabiga iyo darrida cadaabka Eebbe oy waajib tahay in la darbado si looga nabadgalo. Yuunus (50-54)

 

  1. Eebbana waxaa u sugnaaday waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka, yabooha Eebbana waa Xaq dadka badankiisuse ma oga.
  2. Eebbaa wax nooleeya waxna dila xaggiisaana laydiin soo celin.
  3. Dadow waxaa idiin timid waano Eebbihiin iyo caafimaadka waxa laabta ku sugan iyo hanuun iyo naxariista mu‘miniinta.
  4. Waxaad dhahdaa, “Fadliga Eebbe iyo naxariistiisa arrintaas haku farxeen [mu’miniintu] iyadaa ugu khayr-roon waxay kulmine.”
  5. Waxaad dhahdaa, “Ka warrama waxa Eebbe idiin soo dejiyo oo rizqi ah ood ka yeesheen qaar kamid ah xaaraan [qaarna] xalaal?” Waxaad dhahdaa, “Ma Eebbaa idiin idmay mise Eebbaad ku been-abuuranaysaan?”
  6. Maxay u malayn kuwa ku been-abuuran Eebbe [inuu ku fali] maalinta Qiyaame, Eebbe waa kan fadliga ku leh dadka badankooduse kuma mahadiyaan.”

 

Eebbaana iska leh xukunka cirka iyo dhulka, yaboohiisuna waa xaq, mase oga badankoodu, isagaana Eebbe wax nooleeya waxna dila, xaggiisaana loo noqon, waxaana dadka soo gaadhay waano xagga Eebbe ka timid oo Qur’aanka ah iyo caafiyaha waxa laabta ku sugan iyo hanuunka iyo naxariista mu‘miniinta fadliga Eebbe iyo naxariistiisana haku farxeen iyadaa ka fiican waxay kulmin oo adduunyo ahe. Gaaladuna xaq uma leh inay rizqiga Eebbe qaarna xarrimaan qaarna xalaaleeyaan, Eebbe uma idmin sidaas ee way ku been-abuuran Eebbe, maxayse u malayn kuwa ku been-abuuran Eebbe waxay mudan maalinta Qiyaame, Eebbaana wax xalaaleeya, waxna xarrima, laguna mahadiyaa, awooddana leh. Yuunus (55-60)

 

  1. Wixii xaal ah ood ku sugan tahay wixii Qur’aan ah ood akhrin, wixii camal ah ood falaysaan waan idin la joognaana [ognahay] markaad dhex galaysaan, kagama qarsoona Eebbahaa waxa u yar dhulka dhexdiisa iyo samada, wixii ka yar iyo wixii ka wayna Kitaab cad bay ku sugan yihiin.
  2. Awliyada Eebbana cabsi ma saarra mana murugoodaan.
  3. Waana kuwa rumeeyay [Xaqa] dhawrsadana.
  4. Waxaana u sugnaaday bishaaro nolosha adduunyo iyo Aakhiraba, wax baddali Kalimadda Eebbena ma jiro, taasina waa uun liibaanta wayn.
  5. Yuuna ku walbahaarin hadalkoodu cizzi dhammaantiis Eebbaa iska leh, waana maqle oge.

 

Wax kasta oo la fali iyo haddii Qur’aan la akhrin Eebbe waa ogyahay marka la dhex-geli, wax Eebbe kaga qarsoomi cirka iyo dhulkana ma jiro, ama ha u yaraado sida darrada ama ha kasii yaraado ama haka waynaado illeen wax kasta Kitaab cad bay ku sugan yihiin, awliyada Ilaahayna cabsi iyo walbahaar ma arkaan Aakhiro, waase kuwee waa kuwa Eebbe rumeeyay ee ka dhawrsada xumaanta, waxayna heli bishaaro adduun iyo Aakhiraba, wax hadalka Eebbe baddalina ma jiro, taasina waa liibaanta wayn. Waxaana kuu muuqda tilmaanta awliyada Eebbe oo ah kuwa Xaqa si dhab ah u rumeeyay, raacana Qur’aanka iyo sunnada Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) si dhab ahna ugu toosnaada Diinta iyo waxay fari, ciddiise aan tilmaantaas ku sifoobin ma aha wali Eebbe lagumana sheegi karo, waxaase lagu garan Diinta dhab ma u raacay. Bishaarada adduunka wuxuu Nabigu ku fasiray riyada fiican oo ruux arko ama loo arko, Aakhirana waa Jannada, waana kuwaas kuwaan cabsanaynin marka dadku cabsado oon murugoonayn marka dadku murugoodo, waana kuwa dar Eebbe isu-jeclaado iyagoon qaraabo isku xidhayn xoolana isa-siin, waase in Xaqa lagu dadaalo. Yuunus (61-65)

 

  1. Eebbaa iska leh waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, waxay raacayaan oy caabudi Eebbe ka-sokow waa shurako [sanamyo] waxaan mala ahayna ma raacayaan, waxaan beenaalayaal ahaynna ma aha.
  2. Eebbe waa kan idiin yeelay habeenka inaad xasishaan, maalintana arag [ka yeelay] arrintaasna waxaa ugu sugan calaamooyin qawmkii wax maqli.
  3. Waxay dheheen, “Wuxuu yeeshay Eebbe ilmo,” waa nazahan yahay, Eebbana waa uun hodan, wuxuuna leeyahay waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, agtiinna xujo uma taal waxaas [beenta] mise Eebbaad ku sheegaysaan waxaydaan ogayn?
  4. Waxaad dhahdaa, “Kuwa Eebbe ku abuurta beenta ma liibaanaan.”
  5. Waa uun raaxada adduunyo markaas xaggannagaa noqoshadoodu noqon, markaasaan dhadhansiinaynaa cadaab daran gaalnimadooda darteed.

 

Eebbaa leh cirka iyo dhulka iyo khalqigoo dhan, gaalana wax dhab ah ma caabudayaan ee waxay ku socdaan malo iyo been, iyagoo diiddan Eebbaha habeenka xasil ka yeelay, maalintiina iftiin iyo waqti wax-arag, waana arrin mudan in lagu waano-qaato ciddii wax maqli. Been bayna illeen sheegeen iyagoo ku sheegi Eebbe ilmo lsagoo ka nazahan, khalqigoo dhan yuu leeyahaye, wax xujo ahna ma hayaan, waxayna Eebbe ku sheegi waxayna ogayn, ciddii Eebbe ku been-abuuratana ma liibaanto, waa muddo yar nolosha adduun, waxaana loo celin Eebbe wuxuuna dhadhansiin cadaab daran gaalnimadooda darteed, taasina waa ciqaabta gaalada Xaqa diida. Yuunus (66-70)

 

  1. Ku akhri korkooda warkii [Nabi] Nuux markuu ku yidhi qawmkiisii, “Qawmkayow, hadday idin la waynaatay nagaadigayga iyo ku-waanintayada aayaadka Eebbe waxaan tala-saartay Eebbe ee kulmiya amarkiinna iyo shurakadiinna yuuna ahaan amarkiinna wax qarsoon [oo dhib ah] markaas i xukuma hana i sugina.”
  2. Haddaad jeedsataan idin warsan maayo ujuuro, ujuuradayda waxaa i siin Eebbe, waxaana lay faray inaan kamid ahaado Muslimiinta.
  3. Wayna beeniyeen waxaana ku korinnay [Nabi] Nuux iyo intii la jirtay doontii, waxaana ka yeelay kuwo u hadha dhulka, waxaana maanshaynay kuwii beeniyey aayaadkannaga ee day siday noqotay cidhibtii kuwii loo digay.

 

Qisada Nabi Nuux iyo Nabiyo kale oo badanba wax badan bay kusoo aroortay Qur’aanka, meelo badanna lagu sheegay waxaana habboon in lagu waano-qaato illeen wuxuu Eebbe usoo celceliyey in lagu waano qaato, lagana leexdo jidkoodii iyo camalkii xumaa, waxayna noqotay cidhibtii qawmkii Nabi Nuux khasaare, halaag iyo jab, markay khilaafeen amarkii Eebbe beeniyeenna Nabi Nuux, waana sidaas abaalka xaq-diidayaasha ka madax-adayga wanaagga, xumaantana ku madax-taaga, ciddii Eebbe ku kalsoonaata, rumaysa, Xaqa ku socota, wanaaggana fasha cid wax yeeli karta oon Eebbe ahayn ma jirto, illeen ciddii Eebbe tala-saarata wuu ku filan yahaye. Yuunus (71-73)

 

  1. Markaas kadib waxaan u bixinnay Rasuullo qawmkoodii waxayna ula yimaadeen xujooyin, mana rumayn beenintoodii darteed ee horraysay saasaan u daabacnaa [daboollaa] quluubta xad-gudbayaasha.
  2. Markaasaan u bixinnay gadaashood [Nabi] Muuse iyo [Nabi] Haaruun Fircoon iyo colkiisii iyagoo wata aayaadkannagii, wayna isla-waynaadeen waxayna noqdeen qawm dambiilayaal ah.
  3. Markuu uga yimid Xaqu xaggannaga waxay dhaheen, “Kani waa sixir cad.”
  4. Wuxuuna yidhi [Nabi] Muuse, “Ma waxaad ku dhahaysaan Xaqa markuu idiin yimid, ma sixir baa kani? Isagoosan liibaanin saaxiriintu.
  5. Waxayna dhaheen, “Ma waxaad noogu timid inaad naga leexisid waxaan ka hellay aabbayaalkanno oy idiin ahaato waynaanta dhulka [xukunka] annagu idinka idin rumayn-maynno.”

 

Aayadahanna waxay ka warrami rasuulladuu diray Eebbe iyo qisadii Nabi Muuse iyo Haaruun iyo wixii dhex maray Fircoon iyo qawmkiisii iyo Nabiyadaas, markay is kibriyeen ahaadeenna danbiilayaal, kuna sheegeen Xaqii sixir, Nabi Muusana u-sheegay in ciddii Xaqa sixir ku sheegta ayan liibaanaynin, markaasay tuhmaysteen iyagoo sheegi inuu dooni Nabi Muuse inuu ka leexiyo waxay aabbayaalkood ka heleen oo markaas u ahaato sharafta iyo awooddu Nabi Muuse iyo qawmkiisa, waxayna caddeeyeen inayan marna rumaynayn, taasina waa caadada iyo dabeecadda gaalada iyo xaq-diidayaasha oo ku sheega xaq-sheegayaasha xumaan iyo awood ujeed iyo ceebo ayna lahayn, Xaqaase guushu ku danbayn. Yuunus (74-78)

 

  1. Wuxuu yidhi Fircoon, “Ii keena saaxir cilmi badan oo dhan.”
  2. Markay yimaadeen saaxiriintiina wuxuu ku yidhi [Nabi] Muuse, “Tuura waxaad tuuraysaan.”
  3. Markay tuureenna wuxuu yidhi [Nabi] Muuse, “Sixir baad la timaadeen Eebbaana burin, Eebbana ma hagaajiyo camalka fasaadiyayaasha.”
  4. Wuxuuna ku sugaa Eebbe Xaqa Kalimaddiisa haba naceen dambiilayaashuye.
  5. Ma rumaynin [Nabi] Muuse farac yar oo qawmkiisii kamid ah mooyee iyagoo ka cabsan Fircoon iyo kooxdiisii inay fidmeeyaan, Fircoonna wuu isku-kibriyey dhulka wuxuuna kamid ahaa xad-gudbayaaaha.

 

Saasuuna Fircoon isula waynaaday una codsaday in loo soo kulmiyo ciddii sixirka taqaan, markaasay yimaadeen waxaana dhex-maray isaga iyo Nabi Muuse arrimihii wax badan Qur’aanku ka warramay oo ah in guushii Nabi Muuse raacday saaxiriintiina islaameen oo Xaqa raaceen, Eebbana tirtiray sixirkii illeen dhagarlow ma liibaanee, Xaqiina wuu sugay haba naceen dambiilayaashuye, Nabi Muusana markaas waxaa rumayey dad yar oo Fircoon ka cabsan illeen Fircoon wuxuu ahaa nin isla-wayn oo xad-gudba, maxaase u dambeeyey isaga iyo colkiisii kibray? Waxaa ka warrami aayadaha soo socda. Yuunus (79-83)

 

  1. Wuxuu yidhi [Nabi] Muuse, “Qawmkayow haddaad tihiin kuwa rumeeyey Eebbe isaga uun tala saarta haddaad Muslimiin tihiin.
  2. Waxayna dheheen, “Ilaahay yaan talo saarannay, Eebahannow hanooga yeelina fidmo qawmka daalimiinta ah.
  3. Nagana kori naxariistaada darteed qawmka gaalada ah.
  4. Waxaana u waxyoonay [Nabi] Muuse iyo walaalkiis inaad uga yeeshaan qawmkiinna Masar guryo kana yeesha guryihiinna qiblada [ku tukada] ooga salaadda una bishaaree mu’miniinta.
  5. Wuxuuna yidhi [Nabi] Muuse, “Eeebbahannow adaa siiyey Fircoon iyo kooxdiisa qurux iyo xoolo nolosha adduunka Eebbow inay ka dhumiyaan Jidkaaga Eebbow halaag [tirtir] xoolahooda adkeena quluubtooda oo yeyna rumeynin intay ka arkaan cadaab daran.
  6. Eebbe wuxuu yidhi, “Waa la-ajiibay baryadiinna ee toosnaada hana raacina jidka kuwaan wax ogayn.

 

Nabi Muuse qawmkiisii yuu u dardaarmay inay Eebbe talo saartaan waxayna Eebbe warsadeen wanaag iyo naxariis, Eebbana wuxuu faray Nabi Muuse iyo Haaruun inay dadka Masar dajiyaan, guryahana ku tukadaan, salaaddana oogaan, una bishaareeyaan mu’miniinta, Nabi Muusana wuxuu habaaray Fircoon iyo qawmkiisii Eebbana waa ka aqbalay baryadii, wuxuuna faray toosnaan iyo inayna raacin jidka jaahiliinta, taasina waxay ku tusin in wanaagga iyo Jidka Toosan lagu socdo oon la leexanin. Yuunus (84- 89)

 

  1. Waxaan tallaabinay Banii Israa‘iil badda waxayna u raaceen Fircoon iyo qawmkiisii kibir iyo cadaawanimo, markay haleeshay maansheyntiina wuxuu yidhi [Fircoon] waxaan rumeeyey inaan Eebbahay rumeeyeen Banii Israa‘iil mooyee ilaah kale [xaq lagu caabudo] jirin waxaana kamid ahay Muslimiinta.”
  2. [Eebbe wuxuu yidhi], “Hadda [miyaad rumeyn] adoo horay u caasiyey oodna kamid ahayd kuwa wax fasaadiya?”
  3. “Maanta waxaannu korin badankaaga inaad u noqotid cidda kaa dambaysa calaamo wax badan oo dadka kamid ah aayaadkannaga waa halmaansan yihiin.”
  4. Waxaan dejinnay Banii Israa‘iil dejin run ah [meel fiican] waxaana ku arzaaqnay wanaag, waxayna is-khilaafeen markuu cilmigu u yimid, Eebbahaana wuu kala xukumi maalinta Qiyaame waxay isku-khilaafeen.

 

Halkan wuxuu Eebbe ku caddayn siduu u maansheeyey Fircoon iyo colkiisii, waxaana dhacay in markii Banii Israa‘iil gudbeen, Fircoon iyo dadkiisiina biyaha badda ku dhex jiraan Eebbe maansheeyey siday aayado kale caddeeyeen, markaasna uu dambiile Fircoon isku dayey inuu Eebbe qiro, maxaase laga aqbali markaas oo kale, mar hadduu ahaa dulmi-badane, col ah, caasi ah, oo mufsid ah, waxaase Eebbe koriyey badankiisii si ciddii ka dambaysa ay calaamad xaqnimada Eebbe ugu noqoto oyna u halmaamin, markaasaa Eebbe dejiyey Banii Israa’iil meel roon kuna arzuqay wanaag, waxay isku-khilaafaanna Eebbaa kala xukumi Qiyaamada, saasuuna Xaqii u guulaystay baadilkii iyo kibirkiina u-jabeen una halaagsameen. Yuunus (90-93)

 

  1. Haddaad shakisan tahay waxaan kugusoo dejinnay warso kuwa akhriya Kitaabka hortaa, waxaa kaaga yimid xagga Eebbe Xaq, ee ha noqonin kuwa shakiya.
  2. Hana kamid noqon kuwa beeniya aayaadka Eebbe ood kamid noqoto kuwa khasaaray.
  3. Kuwa ku waajibtay Kalimaddii Eebbahaa [ciqaab] rumeyn maayaan.
  4. Xataa haddaad ula timaaddid aayad kasta, intay ka arkaan cadaab daran.
  5. Maxay u jiri wayday magaalo rumeysa [Xaqa] oo uu anfaco iimaankeedu, laakiin qawmkii [Nabi] Yuunus markay rumeeyeen waxaan ka faydnay cadaabkii dulliga ee adduunka, waxaana u raaxaynay tan iyo muddo.
  6. Hadduu doono Eebbahaa waxaa rumayn lahaa waxa dhulka ku sugan oo dhan, ee ma adaa dad ku qasbi intay ka rumeeyaan [Xaqa].
  7. Nafuna ma rumeyso idanka Eebbe kadib mooyee, wuxuuna Eebbe yeelaa xumaanta kuwaan wax kasayn korkooda.

 

Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ma shakinin waxa lagusoo dejin, ee waxaa diidi dadka, mana aha in cidna shaki ka galo Xaqa, ciddiise Eebbe u qoray ciqaab iyo rumeyn-la‘aan ma rumeyso intay ciqaab daran ka arkaan, waxaana ku habboon inay magaalo kastaba dadkeedu Xaqa rumeeyo, waxaana Eebbe ka tawbad-aqbalay qawmkii Nabi Yuunus markay rumeeyeen, waxayna ku noolaadeen adduunka tan iyo muddo, hanuunkana Eebbaa hanta, hadduu doonana waxaa Xaqa rumeyn waxa dhulka ku nool oo dhan, mase aha in dadka lagu qasbo rumeynta, nafuna ma rumeyso idanka Eebbe la‘aantiis, xumaanna waxaa mudan kuwaan Xaqa kasayn, taasina waxay ku tusin Xaqa iyo wanaagga, lana shakiyin Xaqa lana warsado Eebbe ku-sugidda Xaqa, had iyo jeerna Eebbe lagu xidhnaado lana warsado hanuun, khayr iyo sugnaan, illeen Eebbaa awoodda iska leh, wax kastana awooddiisa ku jiraan waase in si dhab ah loogu dhaqmo Xaqa. Yuunus (94-100)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Daya waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka waxna kama deeqaan aayado [calaamooyin] iyo digid qawm aan rumeyn [Xaqa].”
  2. Ma waxay sugi waxaan ahayn ayaamihii kuwii tagay hortood oo kale? Waxaad dhahdaa, “Suga anna waan idinla sugiye.”
  3. Markaasaan korinnaa Rasuullada iyo kuwa rumeeyey saasaana xaq nagu ah, inaan u korinno mu’miniinta.
  4. Waxaad dhahdaa, “Dadow haddaad tihiin kuwo shakisan Diintayda caabudi maayo waxaad caabudaysaan oo Eebbe kasoo hadhay waxaanse caabudi Eebbaha idin dili, waxaana lay faray inaan kamid noqdo mu‘miniinta.”
  5. “Iyo inaan u-jeediyo wajiga Diinta anoo toosan hana kamid noqonin mushrikiinta.”

 

Dadku waa inay ku waano-qaataan calaamooyinka cirka iyo dhulka, waxayse waanadu wax u tartaa kuwa Xaqa rumeeya, kuwaan Xaqa rumeynse wax uma tarto, ciddii Xaqa ka jeedsataa ha sugto wixii ku dhacay gaaladii ka horreeyey oo ciqaab ah. Wuxuuna Eebbe koriyaa kuwa Xaqa rumeeya, Diinta Islaamkana shaki ma leh, waana in laga fogaado cibaadada wax Eebbe kasoo hadhay, illeen waxaa cibaado mudan Ilaaha dadka oofsan, farayna in mu‘miniinta laga mid noqdo, wajigana loo jeediyo xagga Eebbe, lagana fogaado jidka gaalada. Aayaduhuna wuxuu warkoodu ku kooban yahay in abuurka Eebbe lagu waano qaato, si dhab ah loo caabudo, jidka xun ee baadida ahna laga dheeraado. Yuunus (101-105)

 

  1. Hana caabudin Eebbe ka-sokow waxaan wax ku tarayn kuna dhibayn, haddaad fasho waxaad kamid noqon daalimiinta.
  2. Hadduu ku taabsiiyo Eebbe dhib wax faydi oon isaga ahayn ma jiro, hadduu kula doono khayrna wax celin kara fadligiisa ma jiro, wuxuuna gaadhsiiyaa cidduu doono oo addoomadiisa kamid ah, waana dambi-dhaafe naxariista.
  3. Waxaad dhahdaa, “Dadow, waxaa idiinka yimid xagga Eebbe Xaqii, ciddii hanuuntana wuxuu uun u hanuunay naftiisa, cidii dhuntana wuxuu uun u dhumay naftiisa [dhibkeeda] anna korkiinna wakiil uma ihi.”
  4. Ee raac waxa laguu waxyooday samirna inta Eebbe ka kala xukmin [dadka] isagaa u wanaagsan xaakime.

 

Waxna haka dayin hana caabudin waxaan waxba kuu tarayn, ciddii saas fashana waxay kamid noqon daalimiinta, hadduu Eebbe dhib kula doono wax kaa faydi kara oon isaga ahayn ma jiro, hadduu khayr kula doonana wax celin kara fadligiisa ma jiro, cidduu doono yuuna siiyaa naxariis waana danbi-dhaafe naxariista. Dadkana Xaq baa u yimid ciddii ku hanuuntana wuxuu wax u taray naftiisa, ciddii dhuntana wuxuu uun dhibay naftiisa, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) cidna ilaaliye uma aha, wuxuuna Eebbe faray Nabiga iyo dadka kalaba inay raacaan Xaqa Eebbe u-waxyooday Nabiga adkaystaanna inta Eebbe ka kala-xukmin illeen Eebbaa xukunkiisu caadil yahaye, suuradduna waxay ku dhammaatay in Xaqa lagu fara-adkaado lana raaco, laguna samro oo loo adkaysto arrintaas. Yuunus (106-109)

 

Suurat Huud

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Alif. Laam. Raa. [Erayga hore wuxuu ku tusin mucjisada Qur’aanka.] Kitaabka Qur’aanka ahna waa mid la sugay aayadihiisa, markaas lagana caddeeyey Eebbaha falka san ee wax walba og xaggiisa.
  2. Inaydaan caabudin Eebbe mooyee wax kale, anugu waxaan idiinka ahay xagga Eebbe dige bishaareeya.
  3. Dambi-dhaafna warsada Eebbe una tawbad-keena wuxuu idiinku raaxayn nolol wanaagsan tan iyo muddo, wuxuuna siin cid kasta dheeraad leh [fadli] dheeraadkiisa [fadligiisa] haddaad jeedsataanna anugu waxaan idiinka cabsan cadaab maalin wayn.
  4. Xagga Eebbaa noqoshadiinnu tahay wax kastana wuu karaa.

 

Suuraddani waa suurad wax badan ka warrantay, waxaana dhacday in Nabigii (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) lagu yidhi, “Waxaan kugu aragnaa cirro,” markaasuu yidhi, “Waxaa i cirraysay Huud iyo walaalaheed.” Qur’aankuna waa wax sugan oo cad oo xagga Eebbe kasoo degay, farina inaan Eebbe mooyee wax kale la caabudin, Nabiguna waa dige bishaareeya, waana in Eebbe loo tawbad-keeno dambi-dhaafna la warsado. Huud (1-4)

 

  1. Waxay iilayaan laabtooda inay iska qariyaan Eebbe, markay isku-dadi maryahooda waa ogyahay Eebbe waxay qarsan iyo waxay muujin, illeen Eebbe waa ogyahay waxa laabta ku sugane.
  2. Dhul-socod kasta rizqigeedu wuxuu saaran yahay Eebbe wuxuuna ogyahay meeshey ku hoyan ooy u dheelman dhammaanna Kitaab cad yey ku sugan yihiin.
  3. Eebbe waa kan ku abuuray samooyinka iyo dhulka lix maalmood, wuxuuna ahaa Carshigiisu biyo korkood inuu idin imtixaamo kiinna camalka wanaagsan, haddaad dhahdo, “Waa laydin soo bixin geeri kadib,” waxay odhan kuwii gaaloobay, “Kani waxaan sixir cad ahayn ma aha.” Gaaladii wax kasta oo xaq-diidda ah way sameeyeen xataa waxay isku-dadeen maryo si ayna u maqlin Xaqa ama u arkin Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) Eebbase waa ogyahay waxay qarsan iyo waxay muujisan, illeen waxa qalbiga ku jiruu ogyahaye. Wax kasta oo dhulka ku noolla Eebbaa cunnadeeda ballan qaaday ogna meeshay ku sugan tahay iyo meeshay ku hoyan, wax kastana wuxuu ku sugan yahay Kitaab cad, Eebbaana ku abuuray samooyinka iyo dhulka lix maalmood Carshigiisuna ahaa biyaha korkooda inuu imtixaamo dadka kooda camal fiican, hadduu Nabigu gaalada ku dhaho, “Waa laydin soo bixin geeri kadib,” waxay odhan kuwii gaaloobay, “Kani waa sixir cad,” saasayna Xaqa u diidaan si doqonnimo iyo madax-adayg ah. Huud (5-7)

 

  1. Haddaan dib uga dhigno cadaabka xaggooda tan iyo muddo tirsan waxay odhan, “Maxaa celinaya?” Maalintuuse u yimaado mid laga iilo ma aha, waxaana ku dhaca waxay ku jeesjeesi [ciqaabtiisii].
  2. Haddaan dhadhansiinno dadka naxariis xaggannaga ah markaas aan ka qaadno wuxuu noqdaa mid quusasho badan oo dafir badan.
  3. Haddaan dhadhansiinno dadka nicmo dhib taabtay kadib wuxuu dhihi, “Waxaa iga tagay xumaantii,” isagoo farax iyo faan ku sugan.
  4. Kuwa samra ee camal fiican fala mooyee, kuwaasna waxaa u sugnaaday dambi-dhaaf iyo ajir wayn.

 

Waxaa kamid ah gaalada dabeecaddooda in haddii ciqaabta dib looga dhigo ay dheerersadaan oy dhahaan, “Maxaa reebaya?” Maalintuuse cadaab u yimaado wax la leexin ma jiro, waxaana ku dhici waxay ku jeesjeesayeen ciqaabtiisii, haddii dadka Eebbe naxariis dhadhansiiyo markaas ka wareejiyo waxaa kamid ah kuwo quusan oo gaaloobi, haddii nicmo la siiyo dhib kadibna waxay dhahaan iyagoo faani oo kibri, “Dhibkii waa tagay,” kuwa Xaqa rumeeyeyse oo samra oo camal fiican fala iyagu kuma jiraan saasna ma aha, ee waxay ogyihiin in wax walba awoodda Eebbe ku jiraan uuna dadka u nicmeyn, uuna dhibi, inuu imtixaamo ciddii rumeysa iyo tii diidda Xaqa, kuwa samo-falase waxaa u sugnaaday oy heli dambi-dhaaf iyo ajir wayn. Huud (8-11)

 

  1. Waxaad u dhawdahay inaad ka tegto waxa laguu waxyoon qaarkiis oy la cidhiidhyanto laabtaadu inay dhahaan, “Maa lagusoo dejiyo korkiisa kanzi ama la yimaado malag,” adugu waxaad uun tahay dige, Eebbana wax kasta wuxuu u yahay [ilaaliye] wakiil.
  2. Mise waxay odhan, “Wuu been-abuurtay,” waxaad dhahdaa “Keena toban suuradood oo lamid ah oo la been-abuurtay una yeedha ciddaad kartaan oo Eebbe kasoo hadhay haddaad run sheegaysaan.”
  3. Haddayna idin ajiibin [yeelin] ogaada in lagusoo dejiyey Qur’aanka ogaansho Eebbe iyo inaan Eebbe mooyee ilaah kale [xaq lagu caabudo] jirin, ee ma islaamaysaan?
  4. Ciddii dooni nolosha adduunyo iyo quruxdeeda waxaan u dhammaynaynaa camalkooda dhexdeeda lagamana nusqaamiyo.
  5. Kuwaasuna waa kuwaan ku lahayn Aakhiro waxaan Naar ahayn, waxaana buray waxay ku sameeyeen dhexdeeda waxaana baadil ah [wax-kama-jire ah] waxay falayeen.

 

Eebbe wuxuu Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) usoo jeediyey inuusan u aabboyeelin warka gaalada iyo madax-adaygooda, lana cidhiidhyamin waxay ka doonayaan oo ah xoolo badan iyo malaa‘ig-keenid, illeen shaqadiisu waa Xaq-gaadhsiine Eebbaase wax walba ilaaliya hadduu Nabigu Qur’aanka been-abuurtay iyaba ha keenaan toban suuradood oo lamid ah oo la been-abuuray hana la kaashadeen cidday karaan hadday run sheegi, hadday yeeli waayaanna ha ogaadeen in Qur’aanku kusoo degey ogaanshaha Eebbe iyo inaan Ilaahay mooyee eebbe kale jirin ee may islaamaan, ciddii doonta adduunyo iyo quruxdeed waannu ka siin camalkooda oon laga nusqaamineyn dhexdeeda, Aakharana kuwaasu wax kuma leh wuuna buray waxay faleen, waxaana baadil ah camalkoodii. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Kuwa is-tustusa waxaa lagu siin wanaaggooda adduunka, Aakharana way khasaari.” Huud (12-16)

 

  1. Ruux ku sugan [xujo] cad oo Eebbihiis,uu raacina marag Eebbe, hortiisna ahaayeen Kitaabkii Muuse isagoo imaam iyo naxariis ah ma lamid baa mid adduunyo uun doonay, kuwaas fiican way rumeyn Qur’aanka, ciddii ka gaalowda Qur’aanka iyo Nabiga oo xisbiyada kamid ah Naar baa ballan u ah, ee ha noqon mid shakiya xaggiisa isagu waa Xaq Eebbe ka ahaadaye, laakiin dadka badankiis ma rumeeyaan.
  2. Yaa ka dulmi badan ruux ku abuurtay Eebbe been? Kuwaas waxaa loo bandhigi Eebbahood waxayna odhan maraggu, “Kuwaasu waa kuwa ku been-abuurtay Eebbahood lacnadi ha ahaato daalimiinta korkooda.”
  3. Ee ah kuwa ka jeedsada Jidka Eebbe lana dooni qallooc Aakharana ka gaaloobay.

 

Mu‘miniinta xaalkoodu waa mid waafaqsan abuurka Eebbe ee ah Diinta siduu Rasuulku (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yidhi, “Cid kastoo la dhalo waxaa lagu dhalaa Diinta Islaamka ee labada waalid un baa Yuhuud ka dhigta ama Nasaara ama Majuusi.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Diinta dhabta ahna waa tan Islaamka, waxaana saa marag furay Nabiyadii Eebbe oos kamid ahaa Nabi Muuse, ciddii ka gaalowda Qur’aanka ama Nabiga oo dadka kamid ah cidduu dooni ha noqdee Naar baa ballan u ah, Qur’aankuna shaki ma leh inuu Xaq xagga Eebbe ka yimid yahay dadka badankiisuse ma rumeeyaan, cid ka dulmi badanna ma jirto ruux ku been abuurtay Eebbe, kuwaasna waxaa loo bandhigi Eebbahood, maraguna wuxuu odhan oo ah dadka Qiyaamada jooga, “Kuwani waa kuwii ku been-abuurtay Eebbahood, lacnadi haku dhacdo daalimiinta Jidka Eebbe ka leexisa dadka oo qalloocna la doonta Aakharana ka gaalooba.” Dhabtii waa aayado la-yaab leh oo waaweyn. Huud (17-19)

 

  1. Kuwaasu ma aha kuwa ku daalin Eebbe dhulka dhexdiisa umana sugna wax Eebbe kasoo hadhay oo u-gargaari waxaana loo laablaabi cadaabka, mana karaan inay [Xaqa] maqlaan ama arkaan.
  2. Kuwaasu waa kuwa khasaariyey naftooda waxaana ka dhumay waxay been-abuurteen.
  3. Waxaana sugan inay kuwaasu Aakharo iyagu uun khasaaro badnaadeen.
  4. Kuwa rumeeyey Xaqa oo camal fiican falay oo u noqday Eebbahood kuwaasu waa Jannada ehelkeeda wayna ku dhex waari.
  5. Waxay lamid yihiin labada kooxood mid indha-la’ iyo mid dhaga-la‘ iyo mid wax arka iyo mid wax maqli, ma siman yihiin tusaale ahaan miyeydaan wax xusuusaneyn?

 

Cid Ilaahay ka carari karta ma jirto, cid wax ka faydi oo Eebbe kasoo hadhayna ma jirto, ciddii Xaqa ka indho-beesha ama maqli waydana waxaa loo laablaabi cadaabka, waana kuwa khasaariyey naftooda kana dhumay waxay been-abuuran jireen, waana kuwa khasaaray Aakharo, kuwa Xaqa rumeeyey oo camal fiican falayna oo Eebbe u tawbad-keena waxay mudan Janno oy ku waari, labada kooxood oo ah kuwa Xaqa rumeeyey iyo gaalada waxay lamid yihiin mid wax arki waxna maqli iyo indhoole dhaga-la‘ mana sinna ciddii wax xusuusan, gaalo waa indho- iyo dhaga-la‘dahay, mu’minna waa wax-arke wax maqli, yaana lagu khaldamin wax-araggooda adduun, xooluhuba wax bay arkaan. Huud (20-24)

 

  1. Waxaan u dirray [Nabi] Nuux qawmkiisii [isagoo leh] “Waxaan idiin ahay dige cad.”
  2. “Inaydaan caabudin wax Eebbe kasoo hadhay, waxaan idiinka cabsan korkiinna cadaab maalin daran.”
  3. Waxayna dheheen madaxdii gaalowday oo qawmkiisa kamid ah, “Waxaan bashar na lamid ah ahayn kuguma aragno, kugumana aragno inuu ku raacay waxaan ahayn kuwannaga xun xun ee ku degdega ra’yiga, kuugumana aragno korkannaga wax dheeraad ah waxaanse idiin malaynaynaa beenaalayaal.”
  4. Wuxuuna yidhi, “Qawmkayow ka warrama haddaan xujo [cad] oo Eebbahay ku sugnahay uu ina siiyey naxariis xaggiisa oo laydinka indho-tiray miyaan idinku laasimin karraa idinkoo nici?”

 

Qisada Nabi Nuux wax badan yey Qur’aanka kusoo aroortay, wuxuuna ahaa Nabigii ugu horreeyey ee si cad ugu yeedha dadka, halkanna markuu ugu yeedhay qawmkiisii caabudidda Ilaahay kaliya ugana digay cadaab daran waxay sidii caadada u ahayd gaaladii madaxda ahayd ee qawmkiisu ugu jawaabeen inuu dadka lamid yahay dad xun xunna raaceen wax dheeraad ahna uusan lahayn ey una maleyn inuu been sheegi, wuxuuse ku sugan yahay xujo cad oo Eebbe iyo naxariis uu ka siiyey agtiisa, oyse ka indho-beeleen uusan qasabna ku lahayn iyagoo nici Xaqa, taasina waxay muujin dabeecad wanaagga Nabiyada inta Xaqa ku raacda iyo inayna raacidda Diintu qasab ahayn ee ciddii doontana raaci, tii kalana aan xoog lagu galinayn, waxaase loogu sheegi si cad oo qabow oo wanaag ah. Huud (25-28)

 

  1. “Qawmkayow idin warsan maayo xoolo, ajirkayga Eebbaa haya, mana eryayo kuwa Xaqa rumeeyey illeen iyagu waxay la kulmi Eebbahoode, waxaanse idinku arkaa qawm jaahiliin ah.”
  2. “Qawmkayow, yaa iiga gargaari Eebbe haddaan eryo kuwaas [Xaqa rumeeyey]? Miyeydaan wax xusuusanayn?”
  3. “idin ma dhahayo waxaa agtayda ah khazaa’intii Eebbe, mana ogi waxa maqan, idin mana odhanaayo waxaan ahay malaa‘ig, idin mana odhanaayo kuway yasayso indhihiinnu ma siinayo Eebbe khayr, Eebbaa og waxa naftooda ku sugan, markaas waxaan kamid noqon daalimiinta.”

 

Wuxuu u sheegay Nabi Nuux qawmkiisa inuusan wax ujuura ah ka warsanayn Xaqa gaadhsiintiisa, uusan fogaynaynna kuwa Xaqa rumeeyey ee ka cabsaday xaalkaas, illeen waa arrin jaahilnimee, hadduu eryo dadkaasna wax Eebbe uga gargaari ma jiro, mana u sheegan in khasnadaha Eebbe agtiisa tahay, ama waxa maqan ogyahay, ama malaa‘ig yahay, mana u sheegin in mu‘miniinta ay xaqirayaan uusan Eebbe khayr siinayn, Eebbaa og xaalkooda kuna shaqo leh, ciddii xumaysana waxay kamid noqon daalimiinta, waana taas xaalka xaq u-yeedhayaasha iyo gaalada Xaqa diida. Huud (29-31)

 

  1. Waxay dheheen, “Nuuxow waad nala doodday ood badisay la-doodkannaga, ee noo keen waxaad noo yaboohayso haddaad run sheegi.”
  2. Wuxuuna yidhi, “Waxaa uun idiin keeni [kara] Eebbe hadduu doono, mana tihiin kuwo daalin Eebbe.”
  3. “Waxna idiinma tarto naseexadaydu haddaan doono inaan idiin naseexeeyo hadduu Eebbe doono inuu idin baadiyeeyo illeen waa Eebbihiine xaggiisaana laydiin celin.”
  4. Mise waxay dhihi, “Isagaa been-abuurtay,” waxaad dhahdaa, “Haddaan been-abuurto dambigaygu anuu i saaran yahay, anuguna bari baan ka ahay waxaad dambaabtaan.”

 

Gaaladii hadalkii yey ku adkeeyeen Nabi Nuux waxayna dheheen, “Waad nala murantay ood badisay murankii ee noo keen ciqaabtaad noogu gooddin haddaad run sheegayso,” taasina waa caadada Xaq-diidayaasha had iyo jeer inay warsadaan Nabiyada waxaasoo kale, wuxuuse ugu jawaabay Nabi Nuux in keenidda arrintaas Eebbe uun karo kuna shaqo leeyahay hadduu doono, wax daalin karana uusan jirin, naseexana ayan wax u tarayn cidduu Eebbe dhumiyo markay Xaqa diiddo oo ka jeedsato, waxayna ku sheegeen inuu been-abuurtay xaalkuu la yimid, wuxuuse ugu jawaabay in dambigiisu isaga saaran yahay, isna dambigooda ka madax-bannaan yahay, taasina waxay ku tusin in Nabiyaduna isku-hadal yihiin Xaq-diidayaashuna isku war iyo dabeeco yihiin. Huud (32-35)

 

  1. Waxaa loo waxyooday Nabi Nuux inuusan ku rumeynayn qawmkaaga inta ku rumaysay waxaan ahayn ee ha u murugoon waxay fali.
  2. Samaysana doon annagoo ku dhawri kuuna waxyoon hana igula hadlin [xaalka] kuwii dulmi falay waa la maansheyne.
  3. Wuxuu samaynayey doon mar kasta oo qawmkiisa koox kamid ah way ku jeesjeesayeen wuxuuna ku dhahayey, “Haddaad nagu jeesjeestaan anaguna waan idinku jeesjeesi saad u jeesjeesaysaan.”
  4. Waadna ogaan doontaan cidduu u yimaado cadaab dulleeya kuna dago cadaab joogta ah.
  5. Markuu yimid amarkannagii oo tanuurkii burqaday waxaan ku nidhi, “Ku xambaar doonida nooc kasta labo iyo xaaskaaga ciddii dhumid loo xukumay mooyee, iyo ciddii rumaysay Xaqa [iyana ku xambaar] mana rumeynin wax yar mooyee.”

 

Nabi Nuux wuxuu Eebbe u waxyooday inuusan qawmkiisa ka rumeyneyn Xaqa inta horay u rumeysay mooyee waana inuusan u murugoon waxay fali oo xumaana, samaystana doon isagoo Eebbe ilaalin una waxyoon, uusan Eebbana kala hadlin xaalka kuwaas dulmiga falay illeen waa la maansheyne, wuxuuna samaynayey doontii markay maraanna way ku jeesjeesayeen, wuxuuna ku dhahayey, “Haddaad nagu jeesjeestaan waannu idinku jeesjeesi waadna ogaan doontaan cidduu u yimaado cadaab dulleeya kuna dhaco cadaab joogta ah, markuu yimid amarkii Eebbe biyihiina kasoo burqadeen tanuurka yaa Eebbe ku yidhi Nabi Nuux ku xambaar doonta nooc kasta labo, cidda ciqaabi u sugnaatay mooyee, inta ku rumaysayna ku xambaar, wax yar baana rumeeyey, taasina waxay kuu muujin in mu‘miniintu ku sugan yihiin ujeeddo kaliya. Huud (36-40)

 

  1. Wuxuuna yidhi, “Ku kora magaca Eebbe oy kuna socon kuna joogsan Eebbahayna waa dambi-dhaafe naxariista.”
  2. Wayna la socotay hir dhexdiis oo buuro lamid ah wuxuuna u dhawaaqay Nabi Nuux wiilkiisii wuxuuna ahaa meel ka gaar ah [isagoo leh], “Wiilkaygow nalasoo kor hana la jirin gaalada.”
  3. Wuxuuna ku yidhi, “Waxaan u dunmi buur iga dhawrta biyaha,” wuxuu yidhi [Nabi Nuux] “Wax ilaalin kara maanta amarka Eebbe ma jiro cid Eebbe u naxariistay mooyee,” waxaana kala dhex maray hirkii wuxuuna noqday wiilkii kuwa la maansheeyey.
  4. Waxaana la yidhi, “Dhulow liq biyahaaga samooyna qaad [jooji] waxaana la yareeyey [la gudhiyey] biyihii waxaana la xukumay amarkii waxayna ku dul ekaatay doontii Juudi waxaana la yidhi, “Fogaansho haw sugnaato qawmka daalimiinta ah.”

 

Wuxuu yidhi Nabi Nuux, “Ku kora doonta magaca Eebbe ee ay ku socon kuna joogsan illeen waa dambi-dhaafe naxariistee,” wayna la socotay hirka dhexdiisa iyadoo buur oo kala ah, Nabi Nuuxna wuxuu u dhawaaqay wiilkiisa oo ka durugsan wuxuuna ku yidhi, “Wiilkayow nalasoo kor hana ahaan la-jiraha gaalada,” wuxuuse sheegay inuu kori buur ka dhawrta biyaha, wuxuuse ku yidhi Nabi Nuux, “Maanta wax celin kara amarka Eebbe ma jiro cid Eebbe u naxariisto mooyee,” hirkii baana kala dhex maray wuxuuna kamid noqday kuwa la maansheeyey, biyihiina waa gudheen oo joogsadeen amarkiina waa la xukumay waxayna ku ekaatay Juudi halaag baana ku dhacay daalimiintii. Wuxuu wariyey Ibnu Cabbaas in Nabigu (naxariisiyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yidhi, “Amaanka ummadayda markay maanshoodaan waa inay akhriyaan magaca Eebbe markay doon kori.” Qisada Nabi Nuux iyo qawmkiisa iyo sida loo halaagay daalimiintii waa wax lagu waano-qaato. Huud (41-44)

 

  1. Wuxuu u dhawaaqay [baryey] Nabi Nuux Eebbihiis wuxuuna yidhi, “Eebbow wiilkaygu wuxuu kamid yahay ehelkeyga, yaboohaaguna waa xaq [sugan] adaana xukunkaagu falsan yahay.”
  2. Eebbe wuxuu yidhi, “Nuuxow wiilku ehelkaaga kama mid ma aha waana camal aan suubbanayn ee hay warsan waxaadan cilmi u lahayn, waxaan kaa waanin inaad jaahiliinta kamid noqoto.”
  3. Wuxuuna yidhi Nabi Nuux, “Eebbow waxaan kaa magan-galay inaan ku warsado waxaanan u cilmi lahayn, haddaadan ii dambi-dhaafin oodan ii naxariisan waxaan kamid noqon kuwa khasaaray.”
  4. Waxaa lagu yidhi, “Nuuxow ku deg nabadgalyo xaggannaga ah iyo ummadaha kula jira, ummadana waannu u raaxayn markaas waxaa taaban cadaab daran oo xaggannaga ka ahaada.”
  5. Kaasi waa warkii maqnaa oon kuu waxyoonayno maadan ahayn mid og adi iyo qawmkaagu midna kan hortiis ee samir, cidhibta [fiican] waxaa leh kuwa dhawrsada.

 

Markii la halaagay wiilkii Nabi Nuux yaa waxaa qaaday naxariistii waalid wax dhalay markaasuu Ilaahay u cawday isagoo sheegi inuu wiilku ehelkiisa kamid ahaa yabooha Eebbana xaq yahay oo ahaa in ehelkiisa loo korin Eebbana xukunkiisu caddaalad yahay, Eebbase wuxuu u sheegay inuusan wiilku ehelkiisa kamid ahayn marba hadduusan Xaqa rumeynin, wax fiicanna ma aha mana habboona in Nabi Nuux waxaasoo kale warsado sida kuwaan wax ogayn, markuu is-gartay Nabi Nuux Eebbana warsaday dambi-dhaaf iyo naxariis si uusan u-khasaarin, waxaana la faray inuu ka dego doonta isaga iyo inta la jirta iyagoo heli nabadgalyo iyo barako Eebbe, arrintaasna waa waxyaalaha aan la ogaan karin haddaan Eebbe Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) u-waxyoon, wuxuuna Eebbe faray Nabiga inuu adkaysto, wanaaggana waxaa ku dambayn kuwa dhawrsada ee Xaqa ku socda, aayadahanna waxay muujin in qaraabadu iyo sokeeyanimadu tahay caqiidada iyo Islaamnimada, inaan la lamid noqon daalimiinta. Huud (45-49)

 

  1. Caadna waxaa loo diray waiaalkood [Nabi] Huud, wuxuuna yidhi, “Qawmkayow caabuda Eebbe, ilaah kale [xaq lagu caabudo] idiinma sugnee, waxaan been-abuurasho ahaynna kuma sugnidin.”
  2. “Qawmkayow idinka warsan maayo Xaqa ujuuro, ujuuradayda waxaan uun ka mutaa Eebbaha i abuuray ee miyeydaan wax kasayn?”
  3. “Qawmkayow dambi-dhaaf warsada Eebbihiin una tawbad-keena hasoo [daayo] diro samada [roobka] korkiinna si badane hana idiinku kordhiyo xoog xooggiinii hana jeedsanina idinkoo dambiilayaal ah.

 

Way is-daba-joogtaa qisada Nabiyada iyo siduu Eebbe u diray iyo siday qawmkoodii u beeniyeen una dhibeen, si Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) u-adkaysto una ogaado inaan dhibku kali ku ahayn, halkanna waxaa laga warramay Nabi Huud iyo siduu Xaqa u tusiyay qawmkiisii una sheegay inuusan xoolo ka rabin ee abaal-marintiisa uu Ilaahay uun ka sugi, farayna inay Ilaahay kaliya caabudaan, danbi-dhaafna warsadaan una tawbad-keenaan, si Eebbe ugu naxariisto roob iyo barwaaqo iyo xoogna u-siiyo oyna Xaqa ka jeedsan, taasina waxay ku tusin in wanaaggu sabab u noqdo barwaaqo iyo khayr, xumaantuna wadato dhibaato iyo khasaare iyo luggooyo. Huud (50-52)

 

  1. Waxay dheheen, “Huudow noolama aadan imaanin xujo cad kagamana tageynno ilaahyahannaga hadalkaaga kumana rumeynayno.”
  2. “Wax kale kuguma dhaheyno oon ahayn in ilaahyahannaga qaarkood kugu asiibeen xumaan [cudur],” wuxuu yidhi, “Waxaan Eebbe marag-galin ee idinkuna marag noqda inaan bari ka ahay waxaad la wadaajinaysaan [cibaadada].”
  3. “Oo Eebbe kasoo hadhay ee i dhagra dhammaan hana i sugina.”
  4. “Anugu waxaan tala saartay Ilaahay ee ah Eebbahay iyo Eebbihiin wax socda oosan foodda qabanayn ma jiro [awoodayn] Eebbahayna wuxuu ku sugan yahay Jid Toosan.”

 

Waxay dheheen, “Huudow xujo cad nooma aadan keenin mana nihin kuwa uga tegi ilaahyadooda hadalkaaga kuna rumeyn maynno, waxaa uun waalli kugu asiibay ilaahyadanna qaarkood markaad ka reebtay cibaadadooda,” wuxuuna ku yidhi, “Waxaan Eebbe marag-galin idinkana idin marag-galin inaan bari ka ahay waxaad la wadaajinaysaan Eebbe oo kasoo hadhay, ee bal i dhagra dhammaan hana i sugina, waxaan tala-saartay Ilaahay ee Eebbahay ah iyo Eebbihiin, waxa socdoo dhanna wuxuu ku hoos jiraa awoodda Eebbe illeen Eebbe Jid Toosan oo Xaqa yuu ku sugan yahaye. Gaaladuna had iyo jeer waxay dadka Muslimiinta ah ku cabsi galiyaan waxyaalo kale oo Eebbe kasoo hadhay, waase in Eebbe si dhab ah loo caabudo isaga uun laga cabsado, waxa kasoo hadhayna laga jeedsado cibaadadooda iyo wax ka-dayiddooda, lana talo-saartaa illeen isagaa wax walba awooddiisa ku hoos jiraaye, Jidka Toosan ee Xaqa ah ee Eebbe ee Islaamka ahna lagu socdaa dadkana loogu yeedho laguna maamulo. Huud (53-56)

 

  1. “Haddaad jeedsataan waxaan idin gaadhsiiyey wixii laygu soo diray xaggiinna, wuuna idinka gadaal marin Eebbahay qawm kale waxna kama dhibaysaan, Eebbahayna wax kasta wuu ilaaliyaa.”
  2. Markuu yimid amarkannagii waxaan ku korinnay Huud iyo intii rumaysay naxariistannada waxaana ka korinnay cadaab adag.
  3. Taasi waa Caad, waxay diideen aayaadkii Eebbahood waxayna caasiyeen Rasuulladiisii waxayna raaceen amarka isla-weyne madax-adag dhammaantiis.
  4. Waxaana la raaciyey adduunyadan lacnad iyo maalinta Qiyaamaba, caad way ka gaaloobeen Eebbahood, fogaanshaa [halaag baana] u-sugnaaday Caadkii qawmkii Huud ahaa.

 

Nabi Huud wuxuu ku yidhi, “Haddaad cibaadada Eebbe kaliya ka jeedsataan diiddaanna anigu waan idin gaadhsiiyey Xaqii laygu diray, Eebbana cid kaluu idinku beddeli waxna kama dhimaysaan,” illeen wax walba Eebbaa daalacane, markaasaa la halaagay illeen way kibreene oo Xaqii ka jeedsadeene waana sidaas had iyo jeer, wuxuuna Eebbe koriyey Huud iyo intii la jirtay ee Xaqa rumeysay, waxaana naxariis Eebbe darteed looga koriyey cadaab adag, wanataas reer Caad markay beeniyeen aayaadkii Eebbahood caasiyeenna Rasuulladiisii raaceenna amarka mid kastoo kibir badan oo isla-weyn. Adduunyadana waa la lacnaday, Qiyaamadana waa lagu lacnadi reer Caadna waxaa ogaysiis ah inay ka gaaloobeen Eebbahood waxaana naxariis laga dheereeyey Caadkii qawmkii Nabi Huud ahaa, waddadooda ciddii martana waa lamid iyo ka xun. Huud (57-60)

 

  1. Thamuudna waxaan u dirray walaalkeed [Nabi] Saalax, wuxuuna yidhi, “Qawmkayow, caabuda Eebbe, ilaah [xaq lagu caabudo] Eebbe kasoo hadhay ma idiin sugnee, isagaana idiinka ahaysiiyey dhulka idinkuna cammiray dhexdeeda ee dambi-dhaaf warsada una tawbad-keena illeen Eebbahay waa dhawyahay oo ajiibaa [baryade].”
  2. Waxay dheheen, “Saalaxow waxaad ku ahayd dhexdannada mid la rajeeyo arrintan kahor, ma waxaad naga reebi inaan caabudno waxay caabudayeen aabbayaalkanno? Annagu shaki daran baan kaga sugannahay waxaad noogu yeedhi.”
  3. Wuxuu yidhi, “Bal ka warrama haddaan xujo Eebbahay ku sugnahay oo uu i siiyey naxariis xaggiisa ah yaa iiga gargaari Eebbe haddaan caasiyo? Iimana kordhinaysaan waxaan khasaare ahayn.”

 

Qisada reer Thamuud wax badan yuu Qur’aanku sheegay wixii dhex-maray Nabi Saalax, halkanse waxay sheegeen inay u han-waynaayeen Nabi Saalax intuusan ka reebin cibaadada waxay aabbayaalkood caabudi jireen oo baadil ah, waxayna sheegeen inay shakisan yihiin wuxuu ugu yeedhi, wuxuuse ugu jawaabay inuu Xaq iyo xujo Ilaah oo cad ku sugan yahay, warkooduna waxaan khasaare ahayn u-kordhinayn hadduu maqlo, waana kaas Xaqa iyo baadilku say u kala muuqdaan. Huud (61-63)

 

  1. “Qawmkayow tan waa hashii Eebbe calaamad bayna idiin tahay ee iska-daaya ha cunto dhulka Eebbe hana ku taabanina xumaan oo markaas idin qabto cadaab dhaw.”
  2. Wayse dileen hashii, wuxuuna ku yidhi, “Ku raaxaysta guryihiinna saddex maalmood kaasina waa yabooh aan la beeninayn.”
  3. Markuu u yimid amarkii Eebbe waxaan ku korinnay Nabi Saalax iyo intii rumaysay naxariistannada iyo inaan [ka korinnay] dulliga maalintaas Eebbana waa xoog-badane adkaada.
  4. Waxaana qabatay kuwii dulmi falay qaylo waxayna ahaadeen kuwo guryahooda ku dhex dhinta.
  5. Sidii iyagoon ku dhex-nagaanin, Thamuud waxay ka gaaloobeen Eebbahood waxayna muteen fogaansho [halaag].

 

Sidoo kale Nabi Saalax wuxuu u sheegay inay tanu tahay hashii Eebbe mucjisana tahay ee ay iska daayaan ha daaqdo dhulka Eebbee, xumaanna ayan ku taaban si aan loo ciqaabin, wayse dileen waana la halaagay, waxaana nabad-galay Nabi Saalax iyo intii rumeysay, waxaana laga koriyey dulligii maalintaas, illeen Eebbe waa xoog-badane, waxaana ku dhacday gaaladii qaylo oy bakhtiyeen, waxaadna mooddaa guryahoodii inaan la degin, reer Thamuudna waxay ka gaaloobeen Eebbahood waxaana laga dheereeyey naxariista Eebbe ee waasaca ah, waana wax ciddii caqli leh ku waano qaadan markaas Xaqa uun ku toosi si ay u liibaanto labada daaroodba. Huud (64-68)

 

  1. Waxay ula yimaadeen malaa‘igtannadii aan soo diray [Nabi] Ibraahiim bishaaro, waxayna dheheen, “Salaamo korkaaga ha ahaato,” isna wuxuu yidhi, “Salaam,” kamana nagaan [daahin] inuu u keeno dibi la dubay [hilibkiis].
  2. Markuu arkay inayna gacmahoodu gaadhayn wuu la yaabay wuxuuna iska kasay cabsi xaggooda ah, waxayna dheheen, “Ha cabsan waxaa naloo soo diray qawmka [Nabi] Luud e.”
  3. Haweeneydiisiina way taagnayd wayna qososhay waxaana ugu bishaaraynay [Nabi] Isxaaq gadaashiisna Yacquub [wiilkiisii].
  4. Waxayna tidhi, “Waa la-yaabe miyaan dhali anoo cajuuso ah ninkaygana oday yahay arrintaasu waa wax la-yaab leh.”
  5. Waxay dheheen, “Ma waxaad la yaabi amarka Eebbe naxariistiisa iyo barakadiisa korkiinna, qoyskanow, Eebbana waa la-mahdiye la-sharrifo.”

 

Nabi Ibraahiim malaa‘igtii way u bishaaraysay, wayna salaameen isna wuu ka celiyey oo soo dhaweeyey oo u-darbay martiqaad, wuxuuna u qalay dibi, mase ayan cunin illeen waa malaa‘ige, markaasuu shakiyey oo ka cabsaday, waxayse ku dheheen ha cabsan waxaa naloo soo diray qawmka [Nabi] Luud e, haweeneydiisiina way ag-taagnayd ooy qososhay, waxaana loogu bishaareeyey Isxaaq oo Yacquubna dhali oos ka dambeyn, markay haweeneydii la yaabtay waxaa loogu jawaabay, “Ma waxaad la yaabi amarka Eebbe iyo naxariistiisa iyo barakadiisa korkiinna dadka gurigan,” wax lala yaabo ma aha illeen Eebbe waa ammaanle sharaf leh, taasina waxay ku tusin isu-bishaaraynta, in dadka la xasiliyo, cabsida caadiga ah oo jirta, waynida awoodda Eebbe, naxariistiisa iyo barakadiisa aan la koobi karin. Huud (69- 73)

 

  1. Markay [Nabi] Ibraahiim ka tegtay cabsidii [argaggaxii] una timid bishaaradii yuu noqday mid nagula dooda xaalka qawmka [Nabi Luud].
  2. [Nabi] Ibraahiimna waa dulsame noqosho iyo tawbad-keen badan.
  3. Ibraahiimow iskaga jeedso xaalkan, waxaa dhab u yimid amarkii Eebbahaaye iyagana waxaa u imaan cadaab aan laga celinayne.
  4. Markay malaa‘igtaan soo diray u timid [Nabi] Luud wuu ka walbahaaray wuuna la cidhiidhyamay wuxuuna yidhi, “Tani waa maalin daran.”
  5. Waxaana yimid qawmkiisii oo u degdegi xaggiisa horayna waxay u ahaayeen kuwo fala xumaan, wuxuuna yidhi, “Qawmkayow kuwaasu waa gabdhahaygii iyagaa idiin dahiran ee ka dhawrsada Eebbe hana igu dullaynina martidayda miyuusan nin rashiid ah [fiican] idin ku jirin?”
  6. Waxay dheheen, “Waad ogtahay inaanaan ku lahayn gabdhahaaga xaq waadna ogtahay waxaannu dooni.”

 

Markay cabsidii ka ba‘day Nabi Ibraahiim yuu galay inuu ka doodo qawmka Luud illeen Nabi Ibraahiim wuxuu ahaa tawbad-keen badane dulsan, waxayse malaa‘igtii ku tidhi, “Isaga jeedso Ibraahiimow xaalkan amarkii Eebbaa yimide, waxaana u imaan cadaab aan la celinayne,” markay u yimaadeen Nabi Luudna wuu walbahaaray oo cidhiidhyamay isagoo yidhi, “Maanta waa maalin daran,” waxaana yimid qawmkiisii oo ordi, horayna waxay u fali jireen xumaanta, wuxuuna ku yidhi, “Wa kuwaase waa gabdhahaygii ee guursada iyagaa nadiif idiin ehe, Eebbana ka cabsada hana igu dullaynina martidayda, miyuusan nin rashiid ah idinku jirin?” Waxayse sheegeen inayan dan ka lahayn gabdhihiisa uu garanna waxay dooni. Waa la-yaab, kala fiicanaa hadal Muslim Eebbe rumeeyey iyo gaal Eebbe ka fogaaday oo xumaanta qasan, maxaase u dambeeyey? Waa halaag. Huud (74-79)

 

  1. Wuxuu yidhi [Nabi] Luud, “Haddaan xoog idiin leeyahay ama u-dumi tiir adag [waan idin ciqaabi lahaa].”
  2. Waxay dheheen [malaa’igtii], “Luudow waxaan nahay farriintii Eebbahaa dhibna kuma gaadhsiinayaan ee guuri ehelkaaga qayb habeenka kamid ah dibna hasoo dayina haweeyneydaada mooyee, waxaa ku dhici waxa ku dhacaya, ballankooduna waa subaxa, miyuusan subuxu dhawayn?”
  3. Markuu yimid amarkannagii waxaan ka yeellay korkoodii hoostoodii waxaana ku daadinay dhagaxyo la shiday oo is-raacraacsan.
  4. Lagu calaameeyey Eebbahaa agtiisa, wax daalimiinta ka fogna ma aha.

 

Wuxuu ku calaacalay Nabi Luud in hadduu awood leeyahay ama ku tiirsan yahay tiir adag uu ciqaabi lahaa gaaladaas, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbe ha u-naxariistee Nabi Luud, wuxuu ahaa mid ku tiirsan tiir adag (Eebbihiis).” Malaa’igtii waxay u sheegeen in Eebbe soo diray, uusan cabsanna, wax dhib ahna uusan gaadhayn guuriyana ehelkiisa iyagoo dib soo eegayn, haweeneydiisa oo la halaagi mooyee, waxaana la halaagi subaxdii oon fogayn, amarkii Eebbaana u yimid oo waa la daba-gaddiyay laguna soo daadiyey dhagax Naar ah oo calaamaysan, arrintaasuna kama foga daalim oo dhan, waxaana loo baahan yahay in lagu waano-qaato, wanaaggana lagu dadaalo, xumaantana laga dheeraado. Huud (80-83)

 

  1. Madyanna waxaan u dirnay walaalkood [Nabi] Shucayb, wuxuuna yidhi, “Qawmkayow caabuda Eebbe idiinma sugna ilaah kale [xaq lagu caabudo], hana nusqaaminina beegidda [miisidda] iyo miisaanka waxaan idinku arkaa khayr ee [xoolo] waxaana idiinka cabsan cadaab maalin koobi.”
  2. “Qawmkayow oofiya miisidda iyo miisaanka si caddaalad ah, hana ka nusqaaminina dadka waxooda, dhulkana ha fasaadinina.”
  3. “Baaqiga Eebbe yaa idiin khayr-roon ee ma ihi mid idin ilaalin [karee].”
  4. Waxay dheheen, “Shucaybow ma salaadahaagaa ku fari inaan ka tagno waxay caabudayeen aabbayaalkaanno ama ku fallo xoolahannaga waxaan doonno, adugu waxaad uun tahay dul-badane toosan,” [jeesjees dartiis].

 

Qawmkii Madyanna waxaa loo diray Nabi Shucayb waana meel ku taalla Xijaaz iyo Shaam dhexdooda oo u-dhaw magaalada Macaan, wuxuuna faray in Eebbe kaliya caabudaan miisidda iyo miisaankana si cadaalad ah u dhammaystiraan khayrka Eebbe iyo baaqiga wanaagsanna shifaystaan dhulkana aanay fasaadinin dadkana waxooda ka nusqaaminin si uusan u dhicin cadaab daran oo kooba, wayse ku jeesjeeseen oy ku dheheen, “Ma salaaddaadaa ku fari inaan ka tagno waxay aabbayaalkanno caabudi jireen ama say doonaan u maamulaan xoolahooda?” Waxayna dheheen, “Waxaad tahay nin aad u fiican,” iyagoo ku jeesjeesi, waana xaal kala fog wanaagguu faray iyo xumaantay ugu jawaabeen illeen waa gaalee iyo caadadeede. Huud (84-87)

 

  1. Wuxuu yidhi, “Qawmkayow bal ka warrama haddaan ku sugnahay xujo Eebbahay iguna arzuqay rizqi wanaagsan, oonan doonaynna inaan idiin dabo-maro waxaan idinka reebi oonan doonayn waxaan wanaajin ahayn, intaan karo, waafajintaydana waxaan Eebbe ahayn ma karo isagaana talo-saartay xaggiisaana u noqon [tawbad].”
  2. “Qawmkayow yuusan idinku xambaarin khilaafkaygu inuu idinku dhaco wixii ku dhacay qawmkii [Nabi] Nuux ama qawmkii [Nabi] Huud ama qawmkii [Nabi] Saalax, idinkamana foga waqtigii qawmkii [Nabi] Luud.”
  3. “Ee dambi-dhaaf warsada Eebbihiin una tawbad-keena illeen Eebbahay waa naxariiste jecel [ciddii tawbad-keentee].”
  4. Waxay dheheen, “Shucaybow ma kasaynno wax badan ood sheegi waxaana kugu aragnaa inaad dhexdannada ku tabar-yar tahay, hadduusan qawmkaagu jirin waan ku dhagaxyeyn lahayn, mana tihid adugu mid cizzi nagu leh.”
  5. Wuxuu yidhi, “Qawmkayow ma jamaacaddaydaa idin kala wayn Eebbe ood ka yeelateen waxaad dhabarkiinna ka tuurtaan [Xaqa]? Eebbahayna waxaad falaysaan wuu koobay.”

 

Nabi Shucayb wuxuu ku sugnaa Xaq, Eebbana wuxuu siiyey Nabinimo iyo rizqi fiican, mana u daba-marayn xumaantuu ka reebi sida dadka qaarkiis ee liita falaan, waxaan wanaajin ahaynna ma rabin, Eebbuuna tala-saaranayey, wuxuuna uga digay in khilaafkoodu u sababo halaaggii ku dhacay ummadihii ka horreeyey oo kale, oyna ku habboon tahay inay Eebbe u noqdaan, illeen waa naxariiste khayr jecel ee, wayse diideen oy sheegeen inayn kasayn wax badan oos sheegi, tabar-yarina ay ku arkaan, haddayna ixtiraamayn qawmkiisana ay dhagax la dhici lahaayeen, wuxuuna la yaabay in qawmkiisu kala waynaado Eebbe iyo Xaqa, oyna ka jeedsadeen isagoo Eebbe koobay waxay fali. Wanaaggana waa in dadka la faro aadna adugu fartoonto eedan xumaantii u dabo-marin taasi waa ceeb ee, sidoo kale isla-waynida iyo in qabiil iyo qawm ka waynaado Xaqa waa wax la-yaab leh. Huud (88-92)

 

  1. Wuxuu yidhi, “Qawmkayow ku camal-fala dariiqadiinna anna waan camal-fali waxaadna ogaan doontaan cidduu u yimaado cadaab dulleeya iyo cidda beenaalaha ah ee suga anna waan idinla sugiye.”
  2. Markuu yimid amarkannagii waxaan ku korinnay Shucayb iyo kuwii rumeeyey naxariistannada, waxaana qabatay kuwii dulmi falay qaylo waxayna ahaadeen kuwo guryahoodii ku dhintay.
  3. Sidii iyagoon ku nagaanin fogaansho [halaag] baa u sugnaaday Madyan siday u fogaatay Thamuud [u-halaagsantay].

 

Ugu dambayn markuu Nabi Shucayb ka quustay xaalkoodii wuxuu ugu gooddiyey in cid walba say rabto ku socoto waxaa la ogaan doonaa cidduu cadaab dulleeya u yimaado oo beenaala ah, saasna la wada sugo, waxaana la halaagay gaaladii isla-waynayd ee madax-adkayd, wuxuuna Eebbe koriyey Nabi Shucayb iyo intii rumeysay, saasayna reer Madyan halaag iyo ciqaab ugu dhacday, waana abaalka Xaq-diidayaasha wanaagga neceb xumahana jecel, waana arrin u baahan ku-waano-qaadasho iyo ka-digtooni qallooc. Huud (93-95)

 

  1. Waxaannu dhab ula dirray [Nabi] Muuse aayaadkannagii iyo xujo cad.
  2. Xagga Fircoon yaana u dirray iyo qawmkiisii, waxayna raaceen amarkii Fircoon, amarka Fircoonna ma ahayn mid toosan [hanuunsan].
  3. Wuxuu hor-qaadi qawmkiisa maalinta Qiyaame, wuxuuna ku aroorin Naarta, meel lagu aroorana Naar baa u xun.
  4. Waxaana la raacsiiyey adduunyada lacnad iyo maalinta Qiyaamaba, wax laysu kordhiyana waxaa u xun [arrintaa].
  5. Arrintaasu waa warkii magaalooyinka waana kaaga qisoonaynaa, waxaana kamid ah kuwo taagan iyo kuwo la halaagay.
  6. Maanaan dulmiyin iyagaase dulmiyey naftooda waxna ugama tarin ilaahyahoodii ay caabudayeen Eebbe ka-sokow markuu u-yimid amarkii Eebbahaa, waxaan khasaare ahaynna uma kordhin.

 

Aayadahanna wuxuu Eebbe ku sheegay qisadii Nabi Muuse iyo cadawgii Diinta ee ahaa Fircoon iyo colkiisii iyo in Fircoon ku socday baadi, halaag iyo Naarna uu u-hoggaamin Qiyaamada qawmkiisii meel xunna uu ku aroorin lacnadna la raaciyey adduunyada iyo Qiyaamadaba. Kaasina waa warkii ummadihii hore, waxaana jira wax raad leh iyo wax la tirtiray Eebbana ma dulmiyin iyagaa is-dulmiyey, wixii Eebbe kasoo hadhay oy caabudayeenna waxba uma tarin markay ciqaabtii u-timid waxaan khasaare ahayna uma kordhin, taasina waxay ku tusin in ciddii ku hoggaamisa dadka xumaan adduunyada uu Qiyaamada Naarta iyo ciqaabta u hoggaamin, waana wax laga digtoonaado oo laga fogaado. Huud (96-101)

 

  1. Waana sidaas qabashada Eebbahaa markuu doono inuu qabto oo ciqaabo magaalo [dadkeed] oo dulmi fashay, qabashadiisuna way xanuun leedahay oy daran tahay.
  2. Arrintaasna calaamad baa ugu sugan ciddii ka cabsan cadaabka Aakhiro waana maalin loo kulmin dadka dartiis, waana maalin lasoo joogsan.
  3. Dibna uguma dhigaynno muddo magacaaban darteed mooyee.
  4. Maalintuu Qiyaamuhu yimaado ma hadasho nafi idinka Eebbe mooyee, waxaana kamid ah dadka kuwo xun [khasaaray] iyo kuwo liibaanay.
  5. Kuwa xumaadayna Naar bay gali dhexdeedayna ku hinraagi kuna qayliyi.
  6. Iyagoo ku waari inta samooyinku jiraan iyo dhulku wuxuu Eebbe doono mooyee, Eebbahaana wuxuu doonuu falaa.
  7. Kuwa la liibaanayna Jannay ku waari inta samooyinku jiraan iyo dhulku, wuxuu Eebbe doono mooyee, waana siismo aan go‘ayn.

 

Dulmi ciddiisuu la hadhaa, Eebbana wuu sugaa daalimka markuu qabtana ma bixiyo siduu Nabigu yidhi, dulmiguna waa waxyaalaha Eebbe soo dedejiyo ciqaabteeda inkastoo dadku dherersado mararka qaarkood illeen waqtigaa ku kala duwan Eebbe agtiisa iyo dadkee, saas darteed waa in dulmiga laga fogaado, illeen waxaa dambeeya cadaabkii Aakhiro iyo Qiyaamo lasoo kulmin, cid Eebbe idmo mooyee cid hadlina ayan jirin, dadkuna laba nooc noqon, mid khasaaray iyo mid liibaanay, labo jidna ay kala qaadi Naar iyo Janno, markii Naarta lagasoo bixiyo ciddii ashahaado ku dhimatay yaa Malakul Mawt dhiman markaasaa la dhahaa, “Ehlu-Jannow waad waaraysaan dhimanna maysaan, ehlu-Naarow waad waaraysaan dhimanna maysaan,” halkaasaana lagu kala tegi oyna kala caddaan ciddii faras saarrayd iyo ciddii dameer saarrayd markuu boodhku faydmo, waana dhab sugan. Soo-reebidduna ma aha in gaalada Naarta lagasoo bixin ama ehlu-Jannuhu ka bixi ee waa in ciddii ashahaadata laga bixin Naarta, mu‘miniintuna ay ku waari Jannada sida aayadda ka muuqata dhammaadkeeda. Huud (102-108)

 

  1. Ha shakin [xumaanta] waxay caabudi kuwaasu, ma caabudayaan waxay aabbayaalkood caabudayeen mar hore mooyee, waana u dhammaynaynaa qaybtooda [ciqaabta] oon laga nusqaaminayn.
  2. Waxaan siinnay [Nabi] Muuse Kitaabka [Tawreed] waana laysku khilaafay, hadduunan jirin hadal Eebbahaa oo horreeyey waa la kala-xukmin lahaa dhexdooda, waxayna iyagu kaga sugan yihiin shaki daran.
  3. Dhammaan wuu u-oofin Eebbahaa camalkooda illeen Eebbe waxay camal-fali wuu ogyahay.
  4. Ee u-toosnow sida lagu faray adiga iyo inta kula tawbad-keentay hana xad-gudbina illeen Eebbe waxaad camal-falaysaan wuu arkaaye.
  5. Ha u iilanina kuwa dulmi falay oo Naaru idin taabato idiinmana sugno Eebbe ka-sokow awliyo markaas laydiinna gargaari maayo.

 

Wuxuu Eebbe ku adkeeyey Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) iyo ummaddiisaba inayan shakiyin xumaanta waxay caabudi iyaga iyo aabbayaalkoodii hore, cid walbana waxaa loo dhammayn abaalkeeda, Kitaabkii Nabi Muusana waa laysku khilaafay haddaan Eebbe horay u-iraadayna waa la kala-xukumi lahaa, waxayna ku sugan yihiin shaki daran, una toosnaada sida laydin faray, hana kibrina illeen Eebbe wax kama qarsoonee, hana u-iilanina kuwa dulmiga falay oo markaas Naaru idin taabato, wax Eebbe kasoo hadhay oo idiin gargaarina uusan jirin. Abul Caaliya wuxuu yidhi, “Haka raalli-noqonina camalka gaalada.” Ibnu Cabbaasna wuxuu yidhi, “Ha u-iilanina kuwa dulmiga falay.” Aayaduhuna waxay soo jeedin in xumaanta si dhab ah loo garto, lana toosnaado, daalimiintana aan loo iilan oon raalli laga noqon, taasi waxay ku tusin xumaanta iyo darraanta dulmiga cid fasha iyo mid gacan ku siisaba. Huud (109-113)

 

  1. Oog salaadda maalinta darfaheeda iyo qayb habeenka kamid ah [saacaad] illeen wanaaggu wuxuu tegsiiyaa [tirtiraa] xumaantee, taasina waa waanada kuwa Ilaah-xuska badan.
  2. Samir [adkayso] Ilaahay ma dayaco ajirka kuwa sama-falee.
  3. Maxay u ahaan waayeen quruumihii hore dad khayr [caqli] leh oo ka reeba fasaadka dhulka, wax yar mooyee oo kamid ah kuwaan korinnay xaggooda, waxayna raaceen kuwii dulmi falay wixii loogu raaxeeyey waxayna ahaayeen dambiilayaal.
  4. Eebbana uma halaago magaalo dulmi iyadoo ehelkeedu wax wanaajin.
  5. Hadduu doono Eebbahaa wuxuu ka yeeli lahaa dadka mid kaliya mana ka tagaan kuwo is-khilaafsan.
  6. Cid Eebbe u naxariistay mooyee, saasaana Eebbe ku abuuray, wayna taam-noqotay Kalimaddii Eebbahaa oo ah inuu ka buuxiyo Jahannamo jinni iyo insi dhammaan.
  7. Dhammaan waxaannu kaaga qisoon wararkii Rasuullada waxaan ku sugno qalbigaaga, waxaana taam kuugu yimid Xaq iyo wacdi iyo waanada mu‘miniinta.
  8. Waxaad ku dhahdaa kuwaan rumeynin, “Ahaada sidiinnaas [ku camal-fala] annana waannu [ahaan] camal-faliye.
  9. Sugana annana waannu sugiye.
  10. Eebbe waxaa u-sugnaaday waxa ku maqan samooyinka iyo dhulka, xaggiisaana loo celin amarka dhammaan ee caabud oo talo-saaro, Eebbana ma halmaansana waxaad falaysaan.

 

Salaadda waa in loo dadaalo illeen wanaaggaa tirtira xumaantee, shanta salaadood iyo salaadda Jimce iyo soonku waxay gudaan asturaanna waxa u dhaxeeya haddii dambi wayn laga tago siduu Nabigu yidhi, waana in la adkaysto si Eebbe wanaag noogu abaal-mariyo, caqli iyo diinna la yeesho oo xumaanta la reebo, iyo fasaadinta dhulka iyo dulmi iyo raaxo-xun-jacaylka isagoo dambiile la yahay, Eebbana waa caadil oo ma halaago cid toosan dulmin dartiis, Eebbana hadduu doono dadka wuxuu ka dhigi lahaa mid kaliya kamase tagaan khilaaf cid Eebbe u naxariistay mooyee, waxaase Eebbe hormariyey in Jahannamo laga buuxin jinni iyo insi. Waxa lasoo sheegay oo wararkii Rasuullada ahna waxaa lagu adkayn niyadda Nabiga. Huud (114-123)

 

Suurat Yuusuf

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariisguud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Alif. Laam. Raa’. [Xuruufta waxay ku tusin mucjizada Qur’aanka.] Tanna waa aayaadkii Kitaabka cad [Qur’aanka].
  2. Annagaana soo dejinay isagoo Qur’aan Carabi ah inaad kastaan.
  3. Annagaa kaaga qisoon qisooyin tan u fiican waxyigaan Qur’aankan kuu waxyoonay dartiis, waxaadna kamid ahayd hortiisa kuwaan wax ogayn.
  4. Markuu [Nabi] Yuusuf ku yidhi aabbihiis, “Aabbow waxaan arkay kow-iyo-toban xiddigood iyo qorraxda iyo dayaxa waxaan arkay iyagoo ii sujuudsan.”
  5. Wuxuuna yidhi [aabbihiis Yacquub] “Wiilkayow hawga qisoonin riyadaada walaalahaa oy markaas ku dhagraan dhagar, illeen Shaydaanku dadka wuxuu u-yahay col cad ee.”
  6. “Saasuuna kuu doortay Eebbahaa kuuna baray fasiraadda riyada iyo xadiithyada, kuuna taam-yeeli nicmadiisa korkaaga iyo Yacquub ehelkiisa siduu ugu taam-yeelay labadaadii waalid mar hore [Nabi] Ibraahiim iyo [Nabi] Isxaaq eebbahaana waa oge falsan.”

 

Ibnu Kathiir wuxuu yidhi, “Eebbaa Qur’aanka kusoo dejiyey luqadda u sharaf badan, Kitaabka u sharaf badan, Nabiga ugu sharaf badan, malagga u sharaf badan, meesha u sharaf badan, bisha u sharaf badan, saasuuna dhan walba kaamil uga noqday.” Qisada Nabi Yuusufna waa wax la-yaab leh Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ma aqoon waxyiga ka hor. Wuxuuna arkay Nabi Yuusuf kow-iyo-toban xiddigood iyo qorraxda iyo dayaxa oo u-sujuudi, aabbihiina wuxuu faray inuu ka qariyo walaalihiis si ayna u xasdin una shirqoolin, illeen Shaydaan baa dadka weheliya colna u ah, Eebbaa doortay Nabi Yuusuf barayna cilmi iyo fasiraadda riyada una nicmeeyey isaga iyo ehelkii Yacquuba aabbihiis iyo aabbayaalkiisii hore Nabi Ibraahiim iyo Nabi Isxaaq. Nabiguna wuxuu yidhi, “Kii fiicnaa ee mid fiican dhalay mid fiicanna sii dhalay mid fiicanna sii dhalay waa Yuusuf binu Yacquub binu Isxaaq binu Ibraahiim.” Nabiyadoo dhanna waa sharaf badan yihiin sida Nabigeenna. Yuusuf (1-6)

 

  1. Yuusuf iyo walaalihiis calaamad baa ugu sugan kuwa warsan [waano].
  2. Markay dheheen, “Yuusuf iyo walaalkiis yaa aabbe naga jecel yahay inagoo koox ah, aabbeheen wuxuu ku sugan yahay baadi cad [jacaylkaas].”
  3. “Dila Yuusuf ama ku tuura dhulka, ha idiin kaliyoobo wajiga aabbihiine, aadna ahaateen gadaashiis qawm suubban ee.”
  4. Mid kamidaa yidhi, “Ha dilina Yuusuf ee ku tuura ceel salkiis ha qaateen qaar safaree haddaad wax falaysaan.”
  5. Waxay dheheen, “Aabbow maxaad noogu aamini la‘dahay Yuusuf annagoo u naasixa.”
  6. “Nala dir barri ha cuno hana ciyaaree annaguna isaga waannu ilaaline.”
  7. Wuxuu yidhi [Yacquub] “Waxaa i walbahaarin inaad la tagtaan, waxaana ka cabsan in yeeyi cunto idinkoo halmaansan.”
  8. Waxay dheheen, “Hadday yey cunto annagoo koox ah waxaan kamid nahay kuwa khasaaray.”

 

Qisada Nabi Yuusuf iyo walaalihiis waxaa ku sugan waano iyo xusuus. Waxayna ku tashadeen xasad dartiis inay ama dilaan Yuusuf ama ceel ku ridaan, ugu dambayn mid baa usoo jeediyey inay ceel ku ridaan, aabbahood bayna warsadeen wuxuu ugu aamini la‘yahay Yuusuf, waxayna warsadeen in la diro ha lasoo ciyaaree, wuxuuna u sheegay inuu ka walbahaarini inay la tagaan uuna dugaag uga cabsan, waxayse sheegeen inay ilaalin oo dhawri oyna koox yihiin saasayna kula tageen. Maxamed binu Isxaaq wuxuu yidhi, “Waxay isku waafaqeen arrin wayn oo ah qaraabo-goys, caaq-waalid, naxariis-darro, iyagoo kala-gayn ilmo yar iyo oday aabbihiis ah oo duq ah.” Waana arrin wayn waana in laga fogaado waxaasoo kale illeen waa halaage. Yuusuf (7-14)

 

  1. Markay la tageen oy ku kulmeen inay yeelaan ceel salkii, waxaan u waxyoonnay waad uga warrami amarkoodan iyagoon kasayn.
  2. Waxayna u yimaadeen aabbahood habeenkii iyagoo ooyi.
  3. Waxayna dhaheen, “Aabbow waannu tagnay inaan orotonno waxaana ku dhaafnay Yuusuf alaabtannada agteeda markaasay yey cuntay aduguse nama rumaynaysid aanba run sheegnee.”
  4. Waxayna la yimaadeen qamiiskiisii oo dhiig beena leh, wuxuuna yidhi [Yacquub] “Saas ma aha ee waxay idiin qurxisay naftiinnu arrin [xaalkayguse] waa samir fiican Eebbaana laga kaalmaystaa waxaad tilmaamaysaan.”

 

Way la tageen Yuusuf, waxayna isku waafaqeen inay ceel ku ridaan, markay ku rideenna Eebbaa u waxyooday oo ogaysiiyay Yuusuf in cidhiidhigan farax ka danbayn ugana warrami walaalihiis xaalka iyagoon garanayn, si ay arrinta u adkeeyaan yay ula yimaadeen waqti habeen ah aabbahood qamiis dhiig leh iyagoo ooyi oo sheegi inay Yuusuf ku dhaafeen alaabta agteeda iyaguna ciyaar iyo oroton aadeen halkaasna yay ku cuntay inkastoon aabbahood rumaynayn si kasta oy run u sheegaan, kuna yidhi “Naftiinnaa arrin idiin qurxisay, waxaanse samri samir fiican oon argaggax lahayn Eebbaana looga kaalmo warsadaa waxaad falaysaan.” Waadna aragtaa inay wax dhoodhoobeen oohin, qamiis dhiig leh, hadal qurxin in wiilkii waraabe cunay, taasina waxay nooga digi inaan lagu khaldamin muuqaalka iyo wax-dhoodhoobka, caqli- iyo Eebbe-kaalmaysi, iyo kaadsiinyo iyo samir iyo adkaysina lagu socdo. Thawri wuxuu yidhi, “Saddex samirkay kamid tahay inaadan ka warramin xanuunkaaga, iyo dhibkaaga, naftaadana ammaanin.” Bukhaarina wuxuu sheegay xaalkii Caa‘isha iyo markay tidhi, “Tusaale ma helayo aan ahayn kii Yacquub, xaalkay waa samir quruxsan Eebbaana looga kaalmo-warsadaa waxaad sheegaysaan,” taasina waa xaalka mu‘miniinta dhabta ah. Yuusuf (15-18)

 

  1. Waxaa yimid socoto waxayna direen dhaamiye wuxuuna siidaayay wadaantiisii, wuxuuna yidhi, “Bishaaradayda waa wiil,” wayna qarsadeen isagoo badeeco ah, Eebbana waa og yahay waxay fali.
  2. Waxayna ku gateen qiima jaban dirhamo tirsan waxayna ahaayeen kuwaan rabin.
  3. Wuxuu ku yidhi kii gatay oo Masar ah haweenaydiisii “[Wanaaji] ixtiraam hooygiisa waxay u dhawdahay inuu na anfaco ama ka yeelanno ilmo,” saasaana u makaninay Yuusuf dhulka iyo inaan barro fasiraad [riyada] xadiithyada, Eebbaana u adag arrinkiisa, laakiin badida dadku ma oga.
  4. Markuu gaadhay xooggiisa yaan siinnay xikmad iyo cilmi [Nabinimo] saasaana ku abaal-marinaa sama-falayaasha.

 

Eebbe isagaa awoodda cirka iyo dhulka iyo wax walba leh, wuxuuna usoo diray Yuusuf safar kasoo saaray ceelkii kuna bishaaraysatay, kuse gatay qiimo jaban illeen si dhib yar buu kusoo galaye oo way heleene, waxayna ka gateen nin madax ah oo Masar ah wuxuuna faray haweeneydiisii inay ixtiraamto, waxaa suurawda inay wiil ka dhigtaan ama anfacee, saasaana Eebbe Yuusuf u koriyay dhulkana u makaniyay una baray fasiraadda riyada iyo xadiithka, illeen Eebbaa xaalka maamula una adage, in kastoon dadka badankiisu ogayn, markuu xoogaystayna oo caqligiisu buuxsamay yuu Eebbe siiyay cilmi iyo Nabinnimo, sidaasuuna Eebbe ku abaal-mariyaa wanaag-falayaasha. Cabdullaahi ibnu Mascuud wuxuu yidhi, “Waxaa wax u-qiyaasi ogaa dadka saddex: ninkii Masar ee ku yidhi haweenayda ‘Ixtiraam Yuusuf,’ iyo tii tidhi ‘Aabbow noo ijaar [Nabi Muuse],’ iyo Sayid Abii Bakar markuu Sayid Cumar uu magacaabay.” Saasayna ugu soo degdegtay Nabi Yuusuf naxaariistii iyo bishaaradii Eebbaha awoodda badan. Yuusuf (19-22)

 

  1. Waxaa dalbatay naftiisa tii uu joogay gurigeeda waxayna xidhay albaabyadii waxayna ku tidhi “Kaalay,” wuxuuna yidhi “Magan-gal Ilaah, illeen waa sayidkaygii, wuxuu wanaajiyay hoygaygee mana liibaanaan daalimiintu.”
  2. Way ku hamiday [doontay] isna waa ku hammin lahaa hadduusan arkin xujada Eebbe, saasaana uga iili xumaanta iyo fal-xumida illeen wuxuu kamid yahay addoomahannaga la doortay [camalkana u kali-yeela Eebbe].
  3. Waxay u orotameen albaabka [irridda] waxayna ka goysay qamiiskiisa gadaasha waxayna kula kulmeen ninkeedii irridda agteeda, waxayna ku tidhi, “Maxaa lagu abaal-marin cid la doontay ehelkaaga [haweenaydaada] xumaan in la xidho ama caddibaad daran la gaadhsiiyo mooyee.”

 

Imtixaankii yaa wali daba-socday Nabi Yuusuf waxaana hunguriyaysay haweenaydii uu gurigeeda joogay oo xidhay irridihii kuna tidhi “Kaalay,” wuxuuse ka magan-galay Eebbe, kumana habboona inuu khayaamo ninkii u wanaag-falay, ee ku ixtiraamay gurigiisa ama Eebbe caasiyo illeen daalim ma liibaanee. Way doontay haweenaydii Yuusuf naftiisa, isna haddayna dhawridda iyo ilaalinta Eebbe jirin wuu hammin lahaa Eebbaase dhawray tusiyayna xujooyin iyo calaamad cabsi Eebbe kusii abuurta, saasuuna Eebbe xumaanta uga dhawray illeen wuxuu kamid yahay addoomada Eebbe doortay camalkoodana Eebbe u kali-yeela, wuxuuna u cararay xagga irridda wayna ka daba-oroday oy ka goysay qamiiskiisii xagga danbe, waxayna kula kulmeen ninkeedii irridda agteeda, waxayse doontay inay Yuusuf ku rogto xumaanta waxayna lasoo boodday inay ku tidhaahdo ninkeedii cidda xaaskaaga xumaan la doontay abaalkiisu waa in la xabbiso ama ciqaab daran la dhadhansiiyo, halkaasna waxaa ka muuqday masabid iyo nabidda xaq-darro ee dad ku talo-galo iyo sida la isu-dulmin. Yuusuf (23-25)

 

  1. Wuxuu yidhi [Nabi Yuusuf] “Iyadaa i dalabtay naftayda,” wuxuuna ku marag-furay marag ehelkeeda ah, “Hadduu qamiiskiisu ka go‘an yahay xagga hore iyadaa run sheegi isna waa beenalayaasha.”
  2. “Hadduu qamiiskiisu ka go‘an yahay xagga danbana iyadaa beenalay ah isna [Yuusuf] wuxuu kamid yahay runlayaasha.”
  3. Markuu arkay ninkeedii qamiiskii Yuusuf oo gadaal ka go‘an wuxuu yidhi, “Kaasi waa dhagartiinnii, dhagartiinuna waa wayn tahay.”
  4. “Yuusufow iskaga jeedso xaalkan [haka warramin], haweeneeyahay adna ka dambi-dhaaf warso Eebbe danbigaaga waxaad kamid tahay kuwa gafaye.”

 

Saasuu Eebbe u muujiyay ceeb- iyo danbi-la‘aanta Nabi Yuusuf iyo in iyadu doontay isna diiday, waxaana sidaas si caddaalad ah ugu marag-furay cid qaraabadeeda kamid ah oo qamiiska Nabi Yuusuf ku kala xukuntay hadduu horay ka go‘an yahay iyadaa run sheegi hadduu gadaal ka go‘an yahayna isagaa run sheegi, markuu ninkeedii arkay inuu qamiisku gadaal ka go‘an yahay oo xaalku u caddaaday wuxuu ku tuhmaystay haweenayda inay dhagar iyo khayaamo waddo, dhagartooduna wayn tahay, wuxuuna usoo jeediyay Yuusuf inuu ka gaabsado xaalkan kana warramin, iyadana wuxuu faray inay ka tawbad-keento arrintaas ay doontay ee dhicin iyo masabidka Yuusuf. Halkaasna ugama bannaana in cidu Yuusuf wax ka sheegto illeen wuxuu ahaa Nabi dhawrsoon oo Sharaf leh sida Eebbe caddeeyay. Markhaatiguna ama ha ahaado cid guriga joogtay, ama llmo yar oo hadlay waxaase muhiim ah in Eebbe bari yeelay Nabi Yuusuf saasuuna Eebbe ceebta uga dhawraa mu‘miniinta is-dhawrta iyaga iyo ehelkoodaba, waana qiso aad u xeel dheer. Yuusuf (26-29)

 

  1. Waxayna dheheen haweenkii magaalada, “Haweenaydii casiis [wasiirka] waxay dooni khaadimkeeda naftiisa [la nool] jeceylkiisaa qalbiga ka galay, waxaana ku aragnaa baadi cad.”
  2. Markay maqashay dhagartooda [xantoodii] way u farriin-dirtay waxayna u darabtay fadhi [martiqaad] waxayna siisay mid kasta mindi waxayna ku tidhi Yuusuf, “Kusoo bax,” markay arkeenna way wayneysteen waxayna iska gooyeen [sareen] gacmaha [faraha] waxayna dheheen, “Xaashaa-Ilaah kani bashar [dad] ma aha kani waxaan malag sharaf leh ahayn ma aha.”
  3. Waxay tidhi, “Kaasi waa waxaad igu dagaasheen anaa doonay naftiisa wuuna is-dhawray hadduusanse falin waxaan fari wallee waa la xabbisi uu noqon kuwa dullooba.”

 

Waxaa magaaladi ku faafay warkii haweeneydaas iyo Yuusuf, waxayna haweenkii magaaladu ku sheekeysteen in haweeneydii casiis oo ahaa wasiir ay dooni wiilkii gurigeeda joogay Yuusuf jeceylkiisuna qalbiga ka galay, ayna ku sugan tahay baadi cad, markay warkii iyo xantoodii maqashayna waxay u sameysay martiqaad iyo wax la jarjaro waxayna u dhiibtay mindiyo, Yuusufna waxay amartay inuu usoo baxo, markay arkeenna way la yaabeen oo waynaysteen oo farihii iska sareen intay dhawriddiisa mashquul ku ahaayeen, waxayna sheegeen inuusan Yuusuf dad ahayn ee malag sharaf badan yahay, markaasay iyagii kusoo jeedsatay oo ku tidhi, “Wakaas waxaad igu dagaalayseen inaad idinba faraha iska goyseen, anaana doonay naftiisa haddana hadduusan falin waxaan fari waa la xabbisi oo noqon kuwa dullooba.” Halkaasna waxaa ka muuqda in ciddii Eebbe dhawro iyana is-dhawrta Eebbe ka fogayn xumaan iyo ceeb, iyo nadaafaddii Nabi Yuusuf iyo siday ugu caddaysay haweenkii dhabta illeen Nabiyada Eebbaa ilaaliyayey. Yuusuf (30-32)

 

  1. Wuxuuna yidhi [Nabi Yuusuf] “Eebbow xabbis baan ka jeclahay waxay iigu yeedhi haddaadan iga iilin dhagartooda waan u iilan xaggooda waxaana kamid noqon jaahiliinta.”
  2. Waxaana ajiibay Eebbihiis wuuna ka iilay dhagartooda illeen Eebbe waa maqle og.
  3. Markaasaa waxaa u muuqday intay arkeen aayaad [calaamooyin] inay xidhaan tan iyo muddo.
  4. Waxaana la galay xabbiska laba dhalinyara ah midkood baana yidhi, “Waxaan arkay [riyo] anoo miiri khamro,” kii kalana wuxuu yidhi, “Anna waxaan arkay anoo ku xambaari madaxayga korkiisa khubus [kibis] kana cunayso shimbirtu xaggiisa, nooga warran fasiraadda waxaan kugu aragnaa inaad kamid tahay sama-falayaashee.”

 

Nabi Yuusuf sida caadada dadka wanaagsan tahay wuxuu Eebbe ka baryey inuu ka koriyo dhagartooda naftiisana u iilan illeen waa banii-Aadame, wuxuuna sheegay inuu xabbiska ka-jecel yahay kana dooran waxay ugu yeedhi oo xumaan ah, intaas kadibna waxay maslaxo moodeen dadkii hoggaaminayey halkaas in la xidho Nabi Yuusuf tan iyo muddo waana la xidhay, waxaana xabbiska la galay labo wiil oo dhalinyaro ah oo riyo arkay mid isagoo khamra miiri, midna isagoo khubus ama cunno madaxa ku xambaarsan shimbiruhuna wax ka cunayaan, waxayna warsadeen inuu u-fasiro illeen waxay arkeen inuu nin fiican yahaye, wayna imaan doontaa fasiraaddii, aayaduhuna waxay ku tusin sharafkii Nabi Yuusuf iyo inuu xabbis ka dooran xumaan oo dhan, iyo Eebbe la warsado kaalmo iyo dhawrid, iyo in Eebbe ajiibo baryada dadka suubban, iyo dhagartay ku sameeyeen Nabi Yuusuf oo iyagoo og inuusan dambi lahayn ay haddana xidheen si ay u asturaan haweeneyda sumcaddeeda, iyo siduu u-yiqiin fasiraadda riyada looguna yaqiinnay wanaag iyo sharaf iyo akhlaaq wanaagba. Yuusuf (33-36)

 

  1. Wuxuu yidhi [Yuusuf] “Wixii cunna ah oo laydinku arzaaqo waxaan idiinka warrami fasirkiisa kahor imaatinkiisa, kaasina waa waxa Eebbahay i baray, anuguna waxaan ka tagay [nacay] millada qawmkaan rumaynayn Eebbe oo Aakhirana ka gaaloobay.”
  2. “Waxaana raacay millada [diinta] aabbayaalkay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub, nuguma habboona inaan la wadaajinno Eebbe cibaadada waxna, taasina waa fadliga Eebbe ee korkannaga iyo dadkaba, laakiin dadka badankiisu kuma shukriyaan.”
  3. “Saaxiibbadayda xabbiskow, ma ilaahyo kala-tagsan yaa khayr-roon mise Ilaah kaliya ee awoodda badan?”
  4. “Ma caabudaysaan Eebbe ka-sokow waxaan magacyo aad magacawdeen ahayn idinka iyo aabbayaalkiin oon Eebbe usoo dejinin xujo, xukunkana Eebbe mooyee cid kale ma leh, wuxuuna faray inaydaan caabudin isaga mooyee, saasaana Diinta toosan ah, laakiin dadka badankood ma oga.”

 

Nabi Yuusuf intuusan wali u fasirin riyaday warsadeen labada wiil wuxuu uga hor-mariyey inuu Eebbe ogaysiiyey cunnada loo keeni waxay tahay, uu nacayna diinta kuwaan rumeyn Eebbe iyo Aakhiro oo ka gaaloobay, uu raacina Diintii aabbayaalkiis Nabi Ibraahiim Nabi Isxaaq iyo Nabi Yacquub, waxaan Ilaahay ahayn ayan caabudayn. Taasina waa fadliga Eebbe siiyey iyaga iyo dadkaba inkastoon dadka badankii ku shukriyeen Eebbe, wuxuuna u-sheegay in Eebbe kaliya ka khayr-roon yahay ilaahyo badan oo kala-tagsan, oo ah magacyo aan xujo lahayn ee layska magacaabay, xukunkana Eebbaa iska leh, wuxuuna faray in isaga uun la caabudo, saasaana Diinta toosan ah dadka badankiise ma oga, markaas kadib yuu u-sheegay warsigoodii. Yuusuf (37-40)

 

  1. “Saaxiibbadayda xabbiskow, midkiin wuxuu waraabin sayidkiisa khamro, kan kalase waa la wadhi [dili] oy shimbiruhu ka cuni madaxiisa, waana la xukumay amarkaad warsateen.”
  2. Wuxuuna [Yuusuf] ku yidhi kii uu u-maleeyay inuu nabad-gali oo midkood ah, “Iigu sheeg sayidkaaga agtiisa,” waxaase halmaansiiyay Shaydaan xusidda eebbihiis, wuxuuna [Yuusuf] ku nagaaday xabbiska dhawr sano.
  3. Xaakinkii wuxuu yidhi, “Waxaan arkay toddobo sac oo shilshilis oy cunayaan toddobo wayd ah, iyo toddobo sabuul oo cagaaran, iyo kuwo kaloo ingagan dadyahaw iiga warrama riyadayda haddaad fasiri kartaan riyada.”
  4. Waxay dheheen, “Waa qaraw annaguna ma naqaanno fasirka qarawyada [dhadhabka].”

 

Nabi Yuusuf wuxuu u-fasiray riyadii isagoo ku yidhi midna sayidkiisa yuu khamri waraabin oo bixi midna waa la dili oo shimbirtu madaxa ka cuni waana xaal dhammaaday, wuxuuna faray kii baxayey inuu xusuusiyo sayidkiisa xaalka Yuusuf wuuse halmaamay, saasuuna Yuusuf xabbiska ugu nagaaday dhawr sano, markaasaa xaakimkii arkay riyo ah toddobo sac oo shilshilis oy cuni toddobo caata ah iyo toddobo sabuul oo cagaaran iyo kuwo kale oo ingagan, wuxuuna warsaday dadkii inay u fasiraan hadday garan fasiridda riyada, waxayse ugu jawaabeen inay tahay dhadhab iyo qarow iyana ayan aqoonin fasiraadda dhadhabka, waxaase soo socota in Yuusuf fasiri, aayaduhuna waxay ku tusin inay waajib tahay in dadka wanaagga la faro meel kasta ood joogto iyo in Diinta Xaqa ah isku-mid tahay, iyo in laga fogaado jidka kuwa xun iyo in Eebbe kaliya la caabudo illeen isagaa amarka iska lahe. Yuusufna Eebbaa baray fasiridda riyada. Yuusuf (41-44)

 

  1. Wuxuu yidhi kii nabadgalay oo midkood ah markuu xasuustay muddo kadib, “Anaa idiinka warrami fasirkiisa ee i dira.”
  2. Wuxuu yidhi, “Yuusufow saaxiibow, nooga warran toddoba sac oo shilshilis oy cunayaan toddobo wayd ihi iyo toddobo sabuul oo cagaaran iyo kuwo ingagan oo kale, inaan ula noqdo dadka inay ogaadaan.”
  3. Wuxuuna yidhi, “Waxaad tacbanaysaan toddoba sano oo is-raacsan ee waxaad goosataan ku daaya sabuulkiisa wax yar ood cunaysaan mooyee.”
  4. “Markaas waxaa imaan arrintaas kadib toddobo daran [abaar ah] oo cuni waxaad hor-marsateen wax yar ood kaydsateen mooyee.”
  5. “Markaas kadib waxaa imaan sano loo gargaaro dadka oo dhexdeeda ay wax miiran [barwaaqo].”

 

Intaas kadib kii nabad-galay labadii wiil yaa xusuustay Nabi Yuusuf iyo siduu u-fasirayay riyada wuxuuna codsaday in loo diro Yuusuf, waana loo diray, wuxuuna warsaday xaalka toddobada sac ee shilis ee toddobada caatada ah cunayso, iyo toddobada sabuul ee cagaaran iyo toddobada ingagan wuxuuna u sheegay in barwaaqo imaan markaas abaaru dhici oy cuni wixii hore ee la kaydsaday kadibna barwaaqo ka danbayn, wuxuuna usoo jeediyay inay wax kaydsadaan, taasina waxay ku tusin sida Eebbe Nabi Yuusuf u baray fasiraadda riyada iyo in Eebbe dadka ku imtixaamo barwaaqo iyo abaarba, iyo wax la kaydsado oo laga gaashaanto dhibaatada inta la karo iyo in Eebbe yahay gargaaraha dadka dhibban. Yuusuf (45-49)

 

  1. Wuxuu yidhi xaakimkii, “Ii keena Yuusuf,” markuu kii loo diray u yimidna wuxuu ku yidhi, “Ku noqo sayidkaaga oo warso muxuu ahaa xaalkii haweenkii iska saray farahooda Eebbehay waa ogyahay dhagartooda.”
  2. Wuxuu yidhi xaakimkii, “Xaalkiinnu muxuu ahaa markaad doonteen Yuusuf naftiisa?” Waxayna dhaheen, “Eebbaa xumaan ka nazahan ee kuma ogin xumaan,” waxayna tidhi haweenaydii wasiirka “Hadduu caddaaday xaqii anaa dalbay Yuusuf naftiisa isaguna run buu sheegi.”
  3. “Arrintaasna waa inuu ogaado inaanan khayaamin isagoo maqan iyo inuusan Eebbe toosinin dhagarta khaa‘imiinta.”
  4. “Mana bari yeelayo naftayda naftu waa farid badanta xumaanta naxariis Eebbahay mooyee Eebbahayna waa dambi-dhaafe naxariista.”
  5. Wuxuu yidhi xaakimkii, “Ii keena Yuusuf gooni ha ii ahaadee [talinta],” markuu la hadlayna wuxuu yidhi, “Adigu maanta agtannada waxaad ku tahay sharafle aamin ah.”
  6. Wuxuuna yidhi Yuusuf, “Iga yeel mas’uulka khasnadaha dhulka waxaan ahay aamin cilmi lehe.”

 

Markay muuqatay sharaftii iyo aqoontii Nabi Yuusuf yuu xaakimkii u cid-diray in loo keeno, Yuusufse wuu soo celiyay farriintii isagoo warsan xaalkii haweenkii dhagrayay, markuu xaakimkii warsadayna waxay sheegeen inayna xumaan ku ogayn Yuusuf, markaas waxaa dhabtii sheegtay haweenaydii wasiirka oo tidhi, “Hadduu xaqii caddaaday anaa dalbay isna waa runle,” saasaana dhacday inuu ogaado wasiirku inayan khayaamo dhicin isagoo maqan, Eebbana toosinayn dhagarta khaa‘imiinta, “Mana bari yeelo naftayda, naftuna waa xumaan-fala cid Eebbe u naxariisto mooyee,” waana hadalkii Yuusuf, waxaana la sheegay inuu noqon karo hadalkii haweenayda, xaakimkii wuxuu Yuusuf ka dhigay la-taliyihiisa gaarka, wuxuuna codsaday Nabi Yuusuf in laga dhigo mas’uulka khasnadaha xoolaha ee dhulka Masar illeen waa aamin cilmi lehe. Taasina waxay ku tusin samirkii Nabi Yuusuf, sida Eebbe u bari yeeli addoomadiisa suubban, in Xaqii caddaaday, inuusan khaa‘in liibaanayn, nafta khatarsanideeda, in xaakimkii dhawaystay Nabi Yuusuf, iyo inuu dalbay in loo dhiibo khasnadaha dhulka illeen waa aamin cilmi lehe. Yuusuf (50-55)

 

  1. Saasaan u makaninay Yuusuf dhulka [Masar] kagana tasarrufi oo degi meeshuu doono, waxaan gaadhsiinnaa naxariistannada ciddaan doonno mana dhuminaynno ajirka samo-falayaasha.
  2. Ajirka Aakhiraana u khayr-roon kuwa rumeeyey [Xaqa] oo ah kuwa dhawrsada.
  3. Waxaana yimid Yuusuf walaalihiis wayna usoo galeen wuuna aqoonsaday iyagoon garanayn.
  4. Markuu darbay rarkoodii [u oofiyey miisiddii] wuxuu ku yidhi, “Ii keena walaalkiinna aabbe, miyeydaan arkayn inaan oofiyo kaylka [miiska] ahayna mid dejin fiican.”
  5. “Haddaydaan ii keeninna agtayda miisid kama helaysaan hana ii soo dhawaanina.”
  6. Waxay dheheen, “Waannu ka dalbi aabbihiis waana falaynaa [sidaas].”
  7. Wuxuuna ku yidhi dhallinyaradiisii, “Yeela alaabtooda [badeecadooda] rarka dhexdiisa si ay u aqoonsadaan markay ku noqdaan ehelkoodii inay soo noqdaan.”

 

Eebbe wuxuu makaniyey Nabi Yuusuf dhulkii Masar siduu doono oo wanaag ahna u maamuli, naxariista Eebbana way gaadhaa cidduu doono, wanaagna Eebbe ma dayaco, ajirka Aakhiraase u khayr-roon kuwa Xaqa rumeeyey ee dhawrsada, markaas kadib waxaa Nabi Yuusuf ugu yimid socdaal walaalihiis oos garan iyaguse ayan garanayn, markuu u dhammeeyey rarkoodii iyo alaabtay rabeenna wuxuu ka doonay inay u keenaan walaalkooda aabbe, haddayna keeninna ayan kusoo noqonayn, iyagoo arka inuu u oofiyey miisidda ixtiraamayna, waxayna sheegeen inay aabbahood ka dalbi doonaan arrintaas, wuxuuna faray in badeecadday la yimaadeen loo dhex-galiyo rarka si ay u aqoonsadaan inaan waxba laga qaadan una soo noqdaan. Suddi wuxuu sheegay in la wariyey in Nabi Yuusuf warsaday waxay rabeen, aabbahood dalkay ka yimaadeen, intay yihiin iyo kii u yaraaye ku halaagsamay baaddiye kii bahdooda ahaana aabbihiis la hadhay aadna u jecel yahay, wuxuuna ugu jeclaa kii yaraa, markaasuu faray in la dhaqaaleeyo lana ixtiraamo. Yuusuf (56-62)

 

  1. Kolkay u noqdeen aabbahood waxay dhaheen, “Aabbow waa naloo diiday beegidda [hadda kadib hadduuna walaalkood raacin] ee nala dir walaalkanno aan miisannee annaguna waanu ilaalin isagee.”
  2. Wuxuuna yidhi, “Miyaan idinku aamini karaa sidaan idiinku aaminay walaalkiis horay? Eebbaa u khayr-roon dhawre waana naxariis badane.”
  3. Markay fureen alaabtoodii waxay ka heleen badeecaddoodii oo loo soo celiyay, waxayna dheheen, “Aabbow maxaan rabnaa tani waa badeecaddeenii oo lay noo soo celiyay waxaannu u shamadsanaynaa ehelkeenna waxaan ilaalinaynaa walaalkanno waxaana kororsanaynaa miisid riti taasina waa beegid sahlan.”
  4. Wuxuuna yidhi [Yacquub] “Idinla diri maayo intaad ballan Eebbe iga siisaan inaad ii keenaysaan wiilka in laydin koobo mooyee,” markay siiyeen ballankiina wuxuu yidhi, “Ilaahay waxaynu sheegi waa u wakiil shaahid ah.”

 

Way noqdeen waxayna aabbahood u sheegeen in hadda kadib loo diidi beegidda iyo inay kasoo masagaystaan dhulka Masar haddayna walaalkood wadin, waxayna ka codsadeen inuu la diro si ay isagana u ilaaliyaan riti badar ah oo saa‘id ahna u helaan, wuuse shakiyay oo ka cabsaday in sidii Yuusuf ku dhacdo, waxayna arkeen badeecaddoodii oo loosoo celiyay, waxayna dheheen, “Aabbow maxaa inaga maqan waa tan badeecaddeenii waa laynoo soo celiyay, waana soo badaraysannaynaa walaalkanana waanu dhawri waxaanu kororsan riti.” Wuxuuse yidhi, “Idinla diri maayo inaad ballan adag ii qaaddaan mooyee inaad igusoo celinaysaan,” markay ballan qaadeenna wuxuu yidhi, “Eebbaa u wakil ah hadalkeenna.” Ibnu Isxaaq wuxuu yidhi, “Wuxuu saas u yeelay waxaa lagama-maarmaan ah inay masagaystaan. Taasina waxay ku tusin in la digtoonaado Eebbana lagu xidhnaado oo wanaag la sugo. Yuusuf (63-66)

 

  1. Wuxuu yidhi, “Wiilashaydow haka galina [magaalada] irrid kaliya ee ka gala irrido kala tagsan, waxna idiinkama tarayo xagga Eebbe, amarka cid aan Eebbe ahayn ma leh, isagaan talo-saartay isaga uun ha talo-saarteen kuwa wax talo-saaran.”
  2. Markay ka galeen meeshuu faray aabbahood ma ahayn wax Eebbe xaggiisa wax uga tari ee waxay ahayd dan nafta [Nabi] Yacquub ku sugnayd oo uu gutay, isaguna wuxuu ahaa mid cilmi leh oon barray dadka badankiise ma oga.
  3. Markay u galeen Yuusuf wuxuu dhaweeyay walaalkiis wuxuuna ku yidhi, “Anigu walaalkaa baan ahay ee haka murugoon waxay faleen.”
  4. Markuu darbay safarkoodii wuxuu yeelay galaaskii walaalkii rarkiisa, markaas waxaa dhawaaqay mid dhawaaqi, “Safaryahaw tuugaad tihiin!”
  5. Waxayna dheheen intay soo qaabileen, “Maxaad waydeen?”
  6. Waxayna dheheen, “Saacii xaakimka, ciddii keentana wuxuu yeelan rar riti anaana kafiil u ah.”

 

Nabi Yacquub wuxuu ugu naseexeeyay wiilashiisa inay ka galaan magaalada irrido kala duwan, amarkana Eebbaa iska leh ee waa uun dadaal, Eebbaana kan la talo-saarto ah, markay meeshii tageen waxay faleen siduu aabbahood faray inkastoon amarka Eebbe cidna wax ka tarayn, waxayse ahayd arrin Nabi Yacquub doonay wuxuuna ahaa mid Eebbe cilmi baray, dad badan baanse ogayn. Markay magaaladii galeen wuxuu soo dhaweeyay walaalkii isuna sheegay inuu walaalkii yahay murugoonna. Waxaana la sameeyay si lagu soo reebo oo galaaskii boqorka yaa alaabtiisa la dhex-galiyay, waxaana loogu dhawaaqay “Safaryahaw tuugaad tihiin,” markay warsadeen wax la waayayna waxaa loo sheegay in la waayay galaaskii boqorka ciddii keentana ay heli rar riti oo ujuura ah xaalkana Eebbaa iska leh isagaana maamula, waxaana waajib ah in la rumeeyo Xaqa laguna waano-qaato qisooyinka. Yuusuf (67-72)

 

  1. Waxayna dheheen, “Eebbaan ku dhaaranaye waad ogtihiin inaanaan u imaanin inaan fasaadinno dhulka tuugana aanaan ahayn.”
  2. Waxayna dheheen [qawmkii Yuusuf] “Waa maxay abaalkiisu haddaad been sheegaysaan?”
  3. Waxay dheheen, “Abaalkiisu waa ruuxa laga helo rarkiisa saasaana ku abaal-marinnaa daalimiinta.”
  4. Wuxuuna ka billaabay [fatashihii Yuusuf] alaabtoodii walaalkii alaabtiisa ka hor markaasuu kasoo bixiyey weelkii walaalkiis, saasaana u baray kaydkaas Yuusuf mana ahayn mid ku qaadan kara walaalkiis diinta boqorka in Eebbe doono mooyee, waxaan kor-yeellaa darajada ciddaan doonno, mid kastoo cilmi lehna waxaa ka sarreeya cilmi-badane [Eebbe].

 

Waxay ku dhaarteen Yuusuf walaalihiis inayan u iman inay fasaadiyaan dhulka tuugona ahayn iyagoo run sheegi, waxaase la warsaday abaalka ciddii laga helo, waxayna sheegeen in isaga loo qaadan, markaasaa la fatashay alaabtoodii laguna billaabay kuwii kale kadibna lagasoo saaray Yuusuf walaalkiis, waana arrin Eebbe baray Yuusuf si uu walaalkiis ula soo hadho, mana suurawdeen inuu kula soo hadho diinta boqorka dhulkaas Masar, wuxuu Eebbe doonase waa gaar, Eebbana wuxuu kor-yelaa cidduu doono darajadiisa, cid kastoo cilmi lehna waxaa kasii sarreeya mid ka cilmi badan intuu cilmigu kaga dhammaado Eebbe. Ibnu Cabbaas iyo Xasan al-Basri waxaa laga wariyay, mid cilmi badanba mid kalaa ka sarreeya intuu cilmigu kaga dhammaado Eebbe. Aayaduhuna waxay tusin siday run u sheegeen Yuusuf walaalihiis iyo sida Eebbe Yuusuf u baray siduu walaalkiis ulasoo hadhi lahaa iyo inaan cidina cilmi ku faani karin iyo in Eebbe cidduu doono darajeeyo, oo ah dadka toosan ee Xaqa ku socda. Yuusuf (73-76)

 

  1. Waxayna dheheen [Yuusuf walaalihiis] “Hadduu xaday waxaa xaday mar hore walaalkiis,” markaasuu Yuusuf u-qarsaday naftiisa oosan u-muujin, wuxuuna yidhi “Idinkaa ka shar badan Eebbana waa ogyahay waxaad sheegeysaan.”
  2. Waxayn dheheen, “Wasiirow wuxuu leeyahay [wiilku] aabbo wayn oo oday ah ee qaado midkanno baddalkiisa waxaan kugu aragnaa samo-falee.”
  3. Wuxuuna yidhi, “Magan Eebbe inaan qaadanno midkaan ka hellay alaabtannadii agtiisa mooyee, markaas daalimiin baan noqonaynaa.”
  4. Markay ka quusteen yey kaliyoobeen iyagoo faqi, wuxuuna yidhi kii u waynaa, “Waad ogtihiin in aabbihiin ballan adag idinka qaaday iyo inaad horay ugu xad-gudubteen Yuusuf anugu dhulkan kama tagayo inta aabbahay iga idmi ama Eebbe i xukumi isagaa xukun fiicane.

 

Nabi Yuusuf Eebbaa dhawray illeen Nabi buu ahaaye, sida Eebbe u-dhawray Nabiyada dhamaantood, saas darteed wax ma bi’inin sey sheegeen in hadduu kani wax xaday (waxna ma xadine) walaalkiis yaa horay wax u xaday, Nabi Yuusufna hoos-hoos yuu ugu jawaabay inay iyagu ka liitaan, markii walaalkiis lasoo reebay yey cawdeen ooy sheegeen aabbihiis inuu oday gaboobay yahay oyna codsan in midkood lagu baddalo waase laga diiday illeen ujeeddadaa ahayd in la reebee, markay quusteenna way faqeen, wuxuuna usoo jeediyey kii u waynaa inay noqdaan iyagoo xusuusan waxay horay Yuusuf ugu faleen ballanna ay ka qaadeen inay kanna soo celin, wuxuu u-sheegay inuusan tagayn inta aabbihii ka idmi ama Eebbe xukun fiican siin oo ah soo-daynta wiilka. Taasina waxay ku tusinin waxa qarsoon Eebbe kaliya ogyahay tasarrufkana isagu iska-leeyahay, wixii bannaan oo la fali karana la sameeyo markaas xaalka isaga loo bandhigo. Yuusuf (77-80)

 

  1. Wuxuuna ku yidhi, “Ku noqda aabbihiin waxaadna dhahdaan aabbow wiilkaagii wuu xaday, mana furaynno waxaan ogaannay mooyee, mana nihin kuwo waxa maqan ilaaliya [og].”
  2. “Waydiina magaaladaan ahayn iyo safarkaan lasoo noqonnay annaguna run baannu sheegi.”
  3. Wuxuuna yidhi, “Saas ma aha ee waxay idiin qurxisay naftiinnu arrin [xaalkayguse] waa samir fiican wuxuu u dhawyahay Eebbe inuu ii keeno dhammaan illeen isagaa oge falsan ehe.”
  4. Wuuna iskaga jeedsaday xaggooda wuxuuna yidhi, “Walbahaarkay Yuusufow,” waxayna la caddaadeen indhihiisu walbahaar wuxuuna noqday mid aad u tiiraanyeysan.
  5. Waxayna dheheen, “Dhaar Allee ma daynaysid sheegidda Yuusuf intaad ka tabar-gabtid ama ka halaagsantid.”
  6. Wuxuuna yidhi, “Waxaan uun u sheegan xusnigayga iyo walbaharkayga Eebbe, waxaana ka ogahay xagga Eebbe waxaydaan ogayn.”

 

Way noqdeen waxayna uga warrameen aabbahood xaalkii iyo waxay indhahooda ku arkeen aynase waxa qarsoon ogayn, run bayna sheegeen sidii u-muuqatay, aabbahoodse wuu ka aamin-baxay oo ku tuhmay inay ku faleen siday horay Yuusuf ugu faleen wuxuuna Eebbe ka rajeeyey inuu dhammaan u keeno, inkastoo indhuhu la cadaadeen walbahaar, mase falin wax reeban illeen wuu uun walbahaaray waana arrin daran dhabtii,waxayse ugu sii dareen inay dhahaan Yuusuf magaciisa dayn maysid intaad ka jilicdo ama ka dhimatid, wuxuuse u sheegay inuu Eebbe uun u cabanogyahayna waxayna ogayn, taasina waxay ku tusin in Eebbe lagu kalsoonaado farajna laga sugo isagoo wixii la karo la fali. Yuusuf (81-86)

 

  1. [Wuxuu yidhi Yacquub], “Wiilashayow taga oo soo daydaya [warkii] Yuusuf iyo walaalkiis hana ka quusanina naxariista Eebbe [farajkiisa], kama quusto farajka Eebbe qawm gaala ah mooyee.”
  2. Markay usoo galeen Yuusuf waxay dheheen, “Wasiiryahow, waxaa na taabtay annaga iyo ehelkannagaba dhib waxaana la nimid badeeco liidata ee noo oofi dhammee beegidda nuguna sadaqayso Ilaahay wuxuu abaal mariyaa kuwa sadaqaystee.”
  3. Wuxuuna ku yidhi, “Ma ogtihiin waxaad ku fasheen Yuusuf iyo walaalkiis idinkoo jaahiliin ah?”
  4. Waxayna dheheen, “Oo adugu ma Yuusuf baa tahay,” wuxuu yidhi, “Anugu Yuusuf baan ahay kanna waa walaalkay Eebbaa nagu mannaystay [kulmin] illeen ciddii ka dhawrsata Eebbe oo samirta Eebbe ma dayaco ajirka samo-falayaashee.”
  5. Waxay dheheen, “Dhaar Eebbee waxaa naga kiin doortay Eebbe waana gafsanayn.”
  6. Wuxuuna yidhi, “Canaani korkiinna ma aha maanta, Eebbe ha idiin dambi-dhaafo isagaa naxariis badan ee.”

 

Nabi Yacquub wuxuu faray wiilashiisii inay noqdaan soona warsadaan Yuusuf iyo walaalkiis oyna ka quusanin farajka Eebbe, illeen gaalaa ka quusatee, markay noqdeen way ku calaacaleen in dhibaato hayso badeeca liidatana ay wataan waxay ka codsadeen in loo samo-falo loona masaggeeyo, markaas waxaa hadlay Yuusuf oo warsaday waxay ku faleen Yuusuf iyo walaalkiis waxayna warsadeen inuu Yuusuf yahay, wuxuuna ugu jawaabay inuu Yuusuf yahay kanna walaalkiis yahay, Eebbana u samo-falay illeen ciddii Eebbe caabudda oo samirta Eebbe ma dayacee, markaasay ku calaacaleen in Eebbe ka doortay oyna gafsanaayeen, Yuusufse wuu iska saamaxay ugana dambi-dhaaf dalbay Eebbe una sheegay inaan canaanu maanta saarayn, taasina waa caddaaladda Eebbe iyo awooddiisa iyo naxariista Eebbe iyo fadligiisa iyo inuusan dayacayn mu‘miniinta caabudda oo samir iyo adkaysi la timaadda. Tan kale waxay ku tusin naxariis, isu-turid, dhibaato ka-fududayn, isa-saamixid iyo isu-ducayn. Waana taas akhlaaq iyo wanaag iyo kala-aarsasho-la‘aan iyo in Eebbe yahay meesha khayrku ka yimaado. Yuusuf (87-92)

 

  1. “La taga qamiiskaygan kuna tuura wajiga aabbahay ha noqdo mid wax arkee, iina keena ehelkiinna dhammaan.”
  2. Markuu safarkii soo baxay wuxuu yidhi aabbahood, “Anugu waxaan heli Yuusuf dabayshiisii [caraftiisii] haddaydaan i dhaliilayn.”
  3. Waxayna dheheen, “Adugu wali waxaad ku sugan tahay gafkii hore [jacaylkii Yuusuf].”
  4. Markuu yimid kii bishaaraynayey wuxuu ku tuuray [qamiiskii] wajigiisa wuxuuna noqday mid wax arka, wuxuuna yidhi, “Miyaanan idinku dhihin anugu waxaan ka ogahay xagga Eebbe waxaydaan ogayn?”
  5. Waxayna dheheen, “Aabbow nooga dhaafid-warso dambigannaga waan gafsanayne.”
  6. Wuxuuna yidhi, “Waan idiinka dambi-dhaaf warsan doonaa Eebbahay isagaa dambi-dhaafe naxariista ehe.”

 

Wuxuu faray Yuusuf inay sii qaadaan qamiiskiisa kuna tuuraan wajiga aabbihiis inuu wax arko, dadkiina u keenaan, Yacquubna wuxuu Eebbe gaadhsiiyey dabayshii Yuusuf, wuxuuna u sheegay dadkii isagoo ka yaabi inay ku sheegaan cantatab iyo isku-darsan, waxayna ku sheegeen inuu wali ku sugan yahay jacaylkii Yuusuf ee darnaa, markaas waxaa u-yimid kii bishaaraynayey wuxuuna qamiiskii ku tuuray wajiga aabbihiis waxna wuu arkay, markaasuu ku yidhi, “Miyaanan idin dhihin waxaan ka ogahay xagga Eebbe waxaydaan ogayn?” Waxayna qirteen gafkoodii waxayna warsadeen aabbaahood inuu u dambi-dhaaf warsado, wuxuuna u sheegay inuu u dambi-dhaaf dalbi doono. Ibnu Mascuud wuxuu yidhi, “Wuxuu dib ugu dhigay tan iyo aroortii (oo ducada la aqbalo), saasayna u dhabowday yididiilladii Nabi Yacquub, Eebbaana ka fayday dhibkii hayay muddo dheer, taasina waxay ku tusin awooda Eebbe. Iyo inuu u-gargaaro addoomadiisa suubban, kana faydo kurbada markay dhab u rumeeyaan. Yuusuf (93-98)

 

  1. Markay u galeen Yuusuf wuxuu isu dumay labadiisii waalid, wuxuuna yidhi, “Gala Masar Eebbe hadduu doono idinkoo aamin ah.”
  2. Wuxuuna u kor-yeelay labada waalid kursigii, waxayna ula hoobteen sujuud [salaan] wuxuuna yidhi, “Aabbow waatan fasirkii riyadaydii horay, wuxuu ka yeelay Eebahay xaq [sugan] wuuna ii wanaag-falay markuu igasoo bixiyay xabbiska idinkana keenay baadiyaha kadib intuu Shaydaan fasaadiyay ani iyo walaalahay dhexdannada Eebbahayna waa u-turaha wuxuu doono waana oge falsan.”
  3. “Eebbow waxaad i siisay xukun waxaadna i bartay fasiraadda riyada, Eebbaha abuuray samooyinka iyo dhulkow adaa wali [gargaare] ii ah adduun iyo Aakhiroba ee i oofso anoo Muslim ah ina haleeshii kuwa suubban.”

 

Eebbaa wayn awoodna leh, xaqiijiyayna riyadii Nabi Yuusuf dadkiisiina usoo kulmiyay xabbis iyo dhibaato kadib iyo fasaadin Shaydaan isaga iyo walaalihiis dhexdooda, illeen Eebbe waa u-turaha u-naxariis badan cidduu doono, waana wax walba oge falsan, markaasuu Nabi Yuusuf ujeedsaday xagga Eebbe xusayna nimcada Eebbe siiyay wuxuuna ka baryay Eebbaha awoodda leh ee cirka iyo dhulka abuuray ee gargaaraha u ah adduun iyo Aakhiraba inuu ku dilo Muslimnimo haleeshiiyana kuwii suubbanaa. Aayaduhuna waxay tusin in Eebbe faydo dhibka iyo cidhiidhiga, suu u-kulmiyo wax kala-tagsan, in nicmo adduun ayan waarayn, in Eebbe yahay gargaaraha mu‘miniinta, in la warsado khaatimo fiican iyo ku-dilid Diinta Islaamka, iyo inuu wehel uga yeelo suubbanaa. Waxayna ku tusin in marka xaal taam-noqdo ku xigi nuqsaan oo adduun lagu waarayn, ruuxa caqliga badanna uu xusuusnaado xaalkii Nabi Yuusuf iyo xukunkiisii iyo siduu Eebbe uga baryay khaatimo fiican, Eebbe ha nagu khatimo khaatimo fiican. Yuusuf (99-101)

 

  1. Kaasi waa wararka wax maqan annagaana kuu waxyoon, mana aadan ahayn agtooda markay kulmayeen amarkoodii iyagoo shirqooli.
  2. Dadka badankiisna ma rumaynayaan aad kuba dadaashide.
  3. Wax ujuura ahna kama warsanaysid [Xaqa] waa uun waanada caalamka.
  4. Badanaa calaamad samooyinka iyo dhulka oo ay marayaan iyagoo ka jeedsan.
  5. Mana rumaynayaan badankoodu Eebbe iyagoo la wadaajin mooyee.
  6. Ma waxay ka aamin noqdeen inay u timaaddo masiibo cadaabka Eebbe ama ugu timaaddo saacaddu kado iyagoo ogayn.
  7. Dheh “Tan waa waddadayda [Xaqa ah] waxaana ugu yeedhi [dadka] xagga Eebbe anoo ku sugan xujo cad aniga iyo inta i raacda, waxaana nazahay Eebbe, kamidna ma ihi mushrikiinta.”

 

Waxaa lasoo sheegay oo qisada Yuusuf ah waa wax maqnaa oo Eebbe u-waxyooday Nabiga, mana la joogin markay u kulmayeen dhagarta, dadka badankiina si kastoo loogu dadaalo ma rumeeyo Xaqa, Nabiguna wax ujra ah ma warsanayn gaadhsiinta Xaqa, ee Qur’aanku waa waanada caalamka, waxaana badan intay marayaan calaamado cirka iyo dhulka ayna ku waano qaadanayn ee ay iska mari kana jeedsadaan, wax badan oo kamid ahna waxay isku daraan rumayn Eebbe iyo la-wadaajis cibaadadiisa. Wax habboonna ma aha in Eebbe wax kale wuxuu dooni ha ahaadee, wax lala wadaajiyo, sida baryada, wax-tarka, kaalmaha iyo wixi lamid ah. Illeen aamin lagama aha inay masiibo timaaddo ama saacaddu kado ugu timaado dadka, tan kale Diintu waa caddahay waana jidka Xaqa, een qallooc lahayn, Nabiga iyo inta raacdayna way ku hanuunayaan dadka iyagoo ku cilmi leh oo toosan, kana fog jidka gaalada, waana in Xaqa la rumeeyo, looguna yeedho dadka si cad oo wanaag iyo asluub ku dheehan tahay oo loo cilmi leeyahay Xaqa. Yuusuf (102-108)

 

  1. Ma ahayn kuwii aan diray hortaa waxaan rag loo waxyoodo ahayn oo ehelka magaalooyinka miyayna soconin dhulka oo ay fiiriyaan siday noqotay cidhibta kuwii ka horreeyay, daarta Aakhiro yaana u khayr-roon kuwii dhawrsadayee miyaydaan kasayn?
  2. Markay quusteen Rasuulladii una maleeyeen in la beeniyay waxaa u yimaadda gargaarkannaga waxaana korinaynaa ciddaan doonno lagamana celiyo ciqaabtannada qawmka danbiilayaasha ah.
  3. Waxaa ugu sugan qisadooda waano kuwa caqliga leh, mana aha sheeko la been-abuurtay waase u-rumayn wixii ka horreeyay [oo kutubtii xaqa ahayda] iyo caddaynta wax kasta iyo hanuunka iyo naxariista ciddi rumayn Xaqa.

 

Eebbe wuxuu diray Nabi Muxamed hortiisa (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) Rasuullo loo waxyooday, ee dadku waa inay dhulka maraan ee waano qaataan siday noqotay cidhibtii kuwii hore Aakhiraana u khayr-roon kuwa dhawrsada. Tan kale markay Rasuulladii ka quusteen rumaynta qawmkoodii oo la beeniyay yaa waxaa u imaanayay gargaarkii Eebbe markaasuu korinaayey cidda uu doono, wax ciqaabta Eebbe kuwa danbiilayaasha ah ka celinna ma jiro, qisooyinkaa lasoo sheegayna waanaa ugu sugan ciddii caqli leh, mana aha war la iska been-abuuray, waase urumayn Xaqii ka horreeyay, iyo caddaynta wax kasta iyo hanuunka iyo naxariista ciddii rumayn Xaqa. Saasayna ku dhammaatay suuraddii iyadoo kulmisay wax badanoo qisadii Nabi Yusuuf iyo xikmooyin kalaba, waxaase waajib ah in lagu waano-qaato siday suuradduba ku dhammaatay, lana rumeeyo Xaqa, Eebbana loo kali-yeelo cibaadada, lana sugo gargaarka Eebbe, lana ogaado xaqnimada Qur’aanka, wanaagga iyo Xaqana loogu yeedho dadka, guud ahaan Eebbe si dhab ah loo rumeeyo Yuusuf (109-111)

 

Suurat ar-Racd

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. [Xarfaha hore oo kale waan soo sheegnay fasirkooda.] Kuwaasna waa aayaadkii Kitaabka [Qur’aanka], waxaa lagaaga soo dejiyay xagga Eebbahaa waana Xaq, dadka badankiise ma rumaynin.
  2. Eebbe waa kan kor-yeela samooyinka tiir-la‘aan aad aragtaan markaas ku istiwooday Carshiga, sakhirayna qorraxda iyo dayaxa dhammaanna waxay ku socdaan muddo magacaaban, Eebbaa maamula amarka caddeeyana aayaadka inaad la-kulanka Eebbihiin yaqiinsataan.
  3. Eebbe waa kan fidiyay dhulka yeelayna dhexdiisa buuro, iyo wabiyo midho kastana ka yeelay dhexdiisa laba nooc wuxuuna ku dadaa habeenkii maalinta, arrintaasna calaamooyin yaa ugu sugan ciddii fikiri.

 

Suuradaha lagu billaabay xarfahaas oo kale waxay ku tusin sida Eebbe Qur’aanka ugu gargaaray iyo Xaqa iyo waynida Qur’aanka, aayadahanna waxay ku tusin in Qur’aanku Xaq Eebbe soo dejiyay yahay, inkastoo dadka badankii rumaynin, Ilaaha Qur’aanka soo dejiyayna waa kan kor-yeelay samooyinka tiir la‘aantiis. Kuna istiwooday Carshiga si u cunanta hallayn-la‘aan iyo u-ekaynsiin-la‘aan sahlayna qorraxda iyo dayaxa, muddo ay ku socdaanna u-yeelay, amarkana isagaa maamula, caddeeyana aayaadka inaad la-kulanka Ilaahiinna rumaysaan, waana kan dhulka fidiyay, buuro, wabiyo, iyo nooc kastoo midha ahna yeelay, habeenka iyo maalintana isku baddala si ay calaamo ugu noqoto ciddii fikiri. Taasina waxay ku tusin in Eebbe maamulo adduunka sare iyo hoosaba, awooddiisuna wax la qiyaasi karo ahayn, mudanna cibaado dhab ah iyo aqoonsi. Ar-Racd (1-3)

 

  1. Dhulka waxaa ah goosinno daris ah [isku dhaw] iyo bustaan cinaba iyo beer iyo timir oo mataano ah iyo kuwo aan mataano ahayn, laguna waraabiyo biyo kaliya waxaana ku kala fadilaynaa [wanaajinaynaa] qaar qaarka kale cunnada [dhadhanka] arrintaasna calaamaa ugu sugan ciddii wax kasi.
  2. Haddaad yaabtana waxaa yaaba hadalkoodii ahaa, “Ma markaan noqonno carro yaa markaas abuur cusub [nala abuuri]?” Kuwaasi waa kuwa ka galoobay Eebbahood waana kuwa luquntooda la yeelay katiinado waana kuwo Naarta ehelkeeda ah kuna dhex waari.
  3. Waxayna kaa dedejisan xumaan wanaag ka hor iyadooy tagtay hortood tusaalayaal [ciqaabeed] Eebbahaana waa u danbi-dhaafaha dadka iyagoo dulmi ku sugan Eebbahaana waa ciqaab darane.

 

Aayaduhuna waxay ka warrami qudrada Eebbe iyo awooddiisa iyo midhaha isu dhaw ee biyo kaliya ka waraaba haddana kala duwan yahay dhadhankoodu, midabkoodu, adaygga, jileeca, waynida, yaraanta, waxaasoo dhanna waxay ku tusin awoodda iyo maamulka Eebbe ay ku waano-qaadan ciddii wax kasi, yaan Ilaahay ahayn oo saas yeeli kara, aaway kuwii caqli xumaa ee lahaa dabeecad baa wax fasha, waa la-yaab waxaase la-yaab isna ah inay gaaladu cuslaystaan in markay dhintaan oy carro noqdaan lasoo celin mar kale, kuwaasu waa kuwa Eebbe ka gaaloobay ee luqunta laga xidhi waana kuwo ku waari, ee dadajista ciqaab iyo dhibaato wanaag kahor, hortoodana waxaa ahaa wax lagu waano qaato oo ciqaab ah, Eebbase wuu isaga danbi-dhaafaa iyagoo dulmi fali, ciqaabtiisuna way daran tahay. Rasuulkana (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Saamaxa Eebbe la‘aantii iyo dhaafiddiisu cidna nolol kuma xasisheen, ciqaabtiisuna haddayna jirin cid kasta way talo-saaran lahayd.” Waxaa wariyay Ibnu Abii Xaatim, saas darteed waa in la waano-qaato wanaaggana lagu dadaalo, xaaraantana laga fagaado. Ar-Racd (4-6)

 

  1. Waxay dheheen kuwii gaaloobay, “Maxaa loogu soo dejin waayey korkiisa aayad xagga Eebbihiis ka timid?” Adugu waxaad uun tahay dige cid kastana waxay leedahay hanuuniye.
  2. Eebbaa og waxay ku siddo uurka dhaddig kasta, iyo waxay ilmo galleennadu nusqaamin, iyo waxay kordhin [dhicis iyo shin] wax kastana Eebbe agtiisa qaddar [waqti] yuu leeyahay.
  3. Wuxuuna ogyahay wax maqan iyo waxa jooga waana weyne ka sarreeya [wax kasta].
  4. Waana isku-mid kiinna qarsada hadalka iyo kiinna la qayliya, iyo kii is-qariya habeenkii iyo kii muujiya maalintii.
  5. Wuxuuna leeyahay [ruux kasta] kuwo ku is-beddela [malaa‘ig] oo hortiisa iyo gadaashiisa ah kuna dhawra amarka Eebbe, Ilaahayna ma dooriyo wax dad ku sugan yahay intay ka dooriyaan waxa naftooda ku sugan, markuu Eebbe la doono dad dhibna wax ka celin ma jiro, mana laha Eebbe ka-sokow gargaare.

 

Wax badan yey gaaladii warsadeen aayado kibir iyo isla-wayni darteed, Nabiguse waa uun u-dige, cid kastana waxay leedahay hanuuniye. Tan kale Eebbaa wax walba og, waxa uurka ku jira, waxa dhicis noqon waxa shin ku dhalan, wax walbana waqti bay ku leeyihiin Eebbe agtiisa, wuuna ogyahay waxa maqan iyo waxa jooga, waana waynaha sarreeya, waana isugu mid Eebbe ciddii wax qarsata iyo tii muujisa iyo tii habeen la gabbata iyo tii maalin muujisata, ruux walbana malaa’ig baa hortiisa iyo gadaashiisa ku dhawrta idinka Eebbe, sunnada Eebbana waa inaan cidna laga doorrinin siday ku sugan tahay haddayna doorinin waxa naftoodu ku sugan cidduu Eebbe xumaan la doonana wax ka celin ama gargaari ma jiro. Waxaana sugnaaday in malaa’igtu isu keen beddesho habeen iyo maalin, saasayna u habboon tahay in xumaanta laga dhawrsado wanaaggana lagu dadaalo, Eebbana la cuskado. Ar-Racd (7-11)

 

  1. Eebbe waa kan idin tusiya hillaaca cabsi-gelin iyo rajo-gelin darteed, wuxuuna abuuraa daruurta culus.
  2. Wuxuuna la tasbiixsadaa onkadku mahadda Eebbe ku dheehan iyo malaa’igtuna [waxay la tasbiixsan] cabsida Eebbe, wuxuuna diraa dana iyo wuxuuna ku ridaa cidduu doono, iyaguna waxay ku murmi Eebbe isagoo ciqaabtiisu daran tahay.
  3. Eebbe waxaa u sugnaaday baryo [iyo cibaado] Xaqa, waxa kasoo hadhayna waxba uma ajiibaan [kuwa baryi] sida mid ku fidiyey gacmihiisa xagga biyaha inay afkiisa gaadhaan, mana gaadhayaan, baryada gaaladuna waxaan baadi ahayn ma aha.
  4. Waxaa Ilaahay u sujuuda [u khuduuca] waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka oggolaansho iyo qasab iyo hooskooda aroor iyo galbihiiba.

 

Eebbe waa kan awoodda badan ee dadka tusiya hillaac cabsi-gelin iyo damac-galin, abuurana daruur culus, lana tasbiixsado onkadku iyo malaa‘igtu dartiis, dirana danabyada cidduu doonana ku rida, gaaladuna waxay ku murmi Eebbe isagoo ciqaabtiisu daran tahay, Eebbana wuxuu mudan yahay cibaado xaq ah isagaana baryo mudan, waxay baryi Eebbe ka-sokowna waxay lamid yihiin ruux gacmaha biyaha ku taagay inay soo gaadhaan afkiisa mana suurowdo, gaalada baryadeeduna waa baadi wax-kama-jiraana, waxa cirka iyo dhulka ku suganna Eebbay u-khuduucaan oggolaansho iyo qasabba oo cid abuurid, doorsoon, cudur, geeri iyo maamulka Eebbe diidi karta ma jirto. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Haddaad maqashaan onkodka Eebbe xusa, kuma dhoco cid Eebbe xusiye.” Waxaa wariyey Dabaraani. Dhabtuna waa in Eebbe Xaq yahay, Nabiguna Xaq yahay, Diintuna Xaq tahay, Qiyaamo iyo xisaab iyo Janno iyo Naarna wax sugan yihiin lana rabo darbasho iyo samo-fal. Ar-Racd (12-15)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Yaa ah Eebbaha samooyinka iyo dhulka?” Waxaadna dhahdaa, “Waa Eebbe,” waxaadna dhahdaa, “Ma yeelanaysaan Eebbe ka-sokow awliyo [gargaarayaal] oon u hananayn naftooda nafci iyo dhib midna?” Dheh, “Ma egyihiin indhoole iyo wax-arke? Mase egyihiin mugdi iyo iyo nuur?” Mise waxay u yeeleen Eebbe shuruko wax u abuuray sida abuurka Eebbe oo waxaa isaga ekaaday abuurkii? Waxaad dhahdaa, “Eebbaa wax kasta abuuray waana kali awood badan.”
  2. Wuxuu kasoo dejiyey samada biyo waxaana la durduray waadiyo awooddood wuxuuna xambaartaa daadku daadxoor sarraysa, waxay dabka ku huriyaanna doonid isku qurxin, ama alaabo waxaa ah abuur lamid ah, saasuuna Eebbe ugu yeelan tusaale xaqa iyo baadilka, xumbaduse way tagi iyadoo ingagan waxa dadka anficise wuxuu ku nagaan dhulka, saasuuna Eebbe u yeelaa tusaalayaasha.

 

Eebbe mooyee ilaah kale (xaq lagu caabudo) ma jiro, cirka, dhulka iyo khalqiga dhammaanna Eebbaa ahaysiiyey, mana mudna cid kale in wax lala wadaajiyo, illeen waxba ma hantaane, mana sinna mu‘min iyo gaal, sidayna u sinnayn indhoole iyo wax-arke, iyo mugdi iyo iftiin, wax abuura abuurka Eebbe oo kalena ma jiro, Eebbaase wax kasta abuuray, waana kali awood badan, isagaana roobka keena toggagana durduriya iyagoo xambaarsan xumbo sarreysa, sida xumbada birta, saasuuna Eebbe ugu yeelaa tusaale Xaqa iyo baadilka, xumbaduse way tagtaa iyadoo ingagan waxa dadka anficise dhulkuu ku hadhaa, saasuuna Eebbe wax u tusaaleeyaa, arrintaasuna waxay ku tusin in Eebbe Ilaaha Xaqa yahay, inayna sinnayn mu‘min iyo gaal, mugdi iyo nuur, in roobka Eebbe keeno, in xumaantu baabi‘i Xaquna sugnaan, waana tusaale caddeyn sida kala-bixi maalinta Qiyaame iyo Aakharo. Alla ha sahlo. Ar-Racd (16-17)

 

  1. Kuwa Eebbahood ajiibay [maqlay] waxaa u sugnaaday wanaag [Janno] kuwaan ajiibin [maqlinna] hadduu u-sugnaado waxa dhulka ku sugan dhammaan oo wax lamid ah la jiro way isku furan lahaayeen kuwaasna waxaa u sugnaaday xisaab xun [daran] hooygooduna waa Jahannamo iyadaana u xun gogol.
  2. Cid og in waxa lagaaga soo dejiyey xagga Eebbahaa uu Xaq yahay ma lamid baa mid indho-la‘, waxaa uun waantooma kuwa caqliga leh.
  3. Ee ah kuwa oofiya ballanka Eebbe oon burininna ballanka adag.
  4. Ee ah kuwa xidhiidhiya waxa Eebbe faray in la xidhiidhiyo kana cabsada Eebbahood kana cabsada xisaab xun.
  5. Ee ah kuwa u samray doonid wajiga Eebbahood dartiis, oogayna salaadda, kana bixiyey waxaan ku arzaaqnay qayb qarsoodi iyo muuqaalba, raacsiiyana wanaagga xumaanta, kuwaas cidhib fiican yaa u sugnaatay.
  6. Waxaana gali Jannada Cadni iyaga iyo cidda suubban oo aabbayaalkooda, haweenkooda iyo carruurtooda, malaa‘igtuna waxay ugasoo gali irrid kasta.
  7. Iyagoo ku dhihi, “Nabadgalyo korkiinna ha ahaato samirkiinna dartiis waxaa wanaag badan cidhibta daarta [Janno].”

 

Wanaag fale wanaag iyo Jannaa u sugnaaday illeen Eebbuu maqlaye, kuwaan Eebbe maqlinna waxa dhulka ku sugan hadday leeyihiin dhammaan iyo wax lamid ah way isku furan lahaayeen Qiyaamada waxaana u sugnaaday xisaab xun iyo hoy cadaab, mana sinna cid og xaqnimada Qur’aanka iyo cid ka indho-la‘ waanaduna waxay anfacdaa kuwa caqliga leh ee oofiya cahdiga iyo ballanka Eebbe, ee xidhiidhiya waxa Eebbe faray in la xidhiidhiyo oo qaraabo iyo dadka dhibaataysan iyo Xaqa Eebbe, xisaab xunna ka yaaba, ee samra oo u-adkaysta cibaadada dar Eebbe, oogana salaadda waxna bixiya qarsoodi iyo muuqba, waana kuwa cidhib fiican iyo Jannada Cadni u sugnaatay iyaga iyo ehelkooda wanaagsan, malaa‘igtuna meel walba way ugasoo geli iyadoo salaami uguna bogaadin cidhibta fiican, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Kooxda Jannada u hor-gali waa fuqarada kuwii dar Eebbe u-hijrooday, ilaaliya xuduudda Islaamka oo xumaanta lagaga dhawrsado isagoo dantiisii laabta ku haysta wax u gudina jirin.” Waxaa wariyey Imaam Axmed. Ar-Racd (18-24)

 

  1. Kuwa buriya ballanka Eebbe adkayntiisa kadib gooyana wuxuu faray Eebbe in la xidhiidhiyo oo fasaadiyana dhulka kuwaas waxaa u sugnaaday lacnad iyo guri xun.
  2. Eebbaana u fidiya rizqiga cidduu doono kuna cidhiidhya [cidduu doono], waxayna ku farxeen gaaladii nolosha adduunyo, mana aha nolosha adduunyo Aakharo agteeda waxaan maalmo iagu raaxaysto ahayn.
  3. Waxay dhihi kuwii gaaloobay, “Maxaa loogu soo dejin waayey korkiinna aayado Eebbihiisa xaggiisa?” Waxaad dhahdaa, “Eebbe wuu dhumiyaa cidduu doono [oo Xaqa diidda] wuxuuna u hanuuniyaa xaggiisa ciddii u noqota.”
  4. Ee ah kuwa rumeeyey Xaqa kuna xasishay quluubtoodu xuska Eebbe, xuska Eebbayna ku xasishaa quluubtu.
  5. Ee ah kuwa rumeeyey Xaqa falayna camal suubban waxaana u sugnaaday khayr iyo nicmo iyo noqosho wanaagsan.

 

Aayadda hore kuwa ku xusan waa kuwa kasoo horjeeda mu’miniinta ee buriya ballanka gooyana wuxuu faray in la xidhiidhiyo Eebbe, dhulkana fasaadiya oo xumaan iyo gaalnimo iyo dulmi ku maamula, kuwaas lacnad iyo guri xun baana u sugnaaday, awooddana Eebbaa iska leh oo cidduu doonana imtixaan ugu waasiciya, kuu doona wax kaafiya siiya ama ku cidhiidhiya, mana aha jaceyl iyo nacayb midna, gaalana waxay ku farxaan adduunyada, nolosha adduunyana markii loo eego Aakharo iyo waxa Eebbe u darbay mu’miniinta waa maalmo raaxo leh ee tegi, waxaana xadiith ku sugnaaday, “Adduunyadu markii loo eego Aakharo waa far bad la geliyey, bal ha eego wuxuu kasoo celiyey.” Waxaa wariyey Muslim. Gaalana mucjiso-doonid iyo madax-adayg waa caadadood, ciddiise Xaqa diidda Eebbaa sii dhumiya, tii hanuunka doontana wuu hanuuniyaa, ee qalbigeedu ku xasisho xuska Eebbe, xusidda Eebbaana quluubtu ku xasishaa, kuwaa Xaqa rumeeyey ee camal fiican fala waxay heli Janno iyo noqosho fiican, Rasuulkuna (naxariis iyo nabaddgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Jannada waxaa ah geed uu socda kan saaran hooskeed boqol sano oosan goynayn.” Waxaa wariyey Bukhaari. Wakaas Xaqa Eebbe iyo awooddiisa, iyo xaalka adduun iyo kan Aakhiro iyo wax qalbigu ku xasilo iyo Janno iyo wanaag iyo hanuun iyo baadi ciddii caqli lehna way kala dooran. Ar-Racd (25-29)

 

  1. Saasaan kuugu dirray ummad ay tageen ummado hortood inaad ku akhrido kaan kuu waxyoonnay iyaguna waxay ka gaaloobi Eebbaha Raxmaan ah, waxaad dhahdaa, “Eebbe mooyee ilaah kale [xaq lagu caabudo] ma jiro, isagaana tala-saartay xaggiisaana u noqon.”
  2. Haddii Qur’aan dartiis buuro lala kaxayn, ama lala goyn dhulka ama lagula hadli dadkii dhintay [wuxuu noqon lahaa Qur’aankan) amarkase Eebbaa dhammaantiis iska leh, miyeyanse ogayn kuwa rumeeyey Xaqu hadduu Eebbe doono inuu hanuunin lahaa dadka dhammaan kamana tagaan kuwii gaaloobay [xumaan] intay kaga dhacdo musiibo waxay faleen darteed ama degto meel ku dhaw guryahooda intuu ka yimaado yaboohii Eebbe Ilaah ma baajiyo ballanka.
  3. Waxaa lagu jeesjeesay Rasuullo kaa horreeyey markaasaan sugay kuwii gaaloobay, kadibna waan qabtay ee siday noqotay ciqaabtaydii [way darrayd].

 

Eebbe wuxuu sheegay Nabiga inuu u diray ummad ay ka horreeyeen ummado Rasuullo loo diray, si aad ugu akhrido waxa laguu waxyooday, waxayna ka gaaloobi Eebbaha Raxmaan, waxaad dhahdaa, “Waa Eebbahay, Ilaahay mooyee eebbe kalana ma jiro, isagaanan talo-saartay xaggiisaana u noqon, u tawbad keeni, Eebbana isagoo amaani Qur’aanka wuxuu sheegay in haddii Kutubihii hore laga heli Kitaab buuraha meeshooda ka kaxeeya ama dhulka lala gooyo, ama dadkii dhintay lagula hadlo waxaa ka mudnaan lahaa Qur’aankan, amarka Eebbaa dhammaantiis iska leh, miyeynase ogayn kuwii rumeeyey in hadduu Eebbe doono hanuunin lahaa dadka dhammaan, gaalana kama tagaan xumaanta inta kaga dhacdo musiibo, ama ay ku dhacdo meesha u dhaw guryahooda intuu ka yimaado yaboohii Eebbe oo ah guusha Islaamka, ama Qiyaamada, Eebbana ma baajiyo ballanka. Waxaa lagu jeesjeesay Rasuullo kaa horreeyey waxaana u sugay gaaladii markaasaan qabtay ee siday tahay ciqaabtaydii? Aayaduhuna waxay caddayn Rasuulnimada Nabiga, kalinimada Eebbe, tala-saarashadiisa, in isaga loo noqon, fadliga iyo sharafta Qur’aanka, madax-adaygga gaalada, in la ciqaabi Eebbana oofin ballanka. Ar-Racd (30-32)

 

  1. Cid ku ilaalin naf kastaa waxay kasbatay [Eebbe] ma lamid baa midaan saas ahayn, waxayna u yeeleen Eebbe shurako, dheh “Magacaaba, mise waxaad Eebbe uga warramaysaan waxaan joogin dhulka mise hadal muuqaal ah.” Saas ma aha ee waxaa loo qurxiyey kuwii gaaloobay dhagartooda waxaana laga leexiyey jidka, cid Eebbe dhumiyeyna ma laha wax hanuunin.
  2. Waxayna mudan cadaab nolosha adduun, cadaabka Aakhiraana daran mana u sugna wax Eebbe ka ilaalin.
  3. Tusaalaha [tilmaanta] Jannada loo darbay kuwa dhawrsada waa inay dhex socdaan wabiyaalkii, cunnadeeduna waa joogto iyo hooskeedu, taasina waa cidhibta kuwa dhawrsada cidhibta gaaladuna waa Naar.

 

Eebbaa wax walba ilaaliya oo daalacan, wax lamid ahna ma jiro, iyo wax ku dhaw midna, shurakada ay u yeeleenna waa been ay magacaabeen oon joogin dhulka iyo war muuqaalkiis, mase Eebbay uga warrami khalqigiisa kuwaas wuxuu Shaydaan u qurxiyey dhagartooda, Jidka Xaqa ahna waa laga awday, wax toosinna ma helaan, waxayna mudan cadaab adduun iyo mid ka daran oo Aakhiro, wax Eebbe ka dhawrina ma jiro, Jannada loo darbay mu‘miniinta dhawrsatana waa in wabiyaal dhex socdaan cunnadeeda iyo hooskeeduna joogto yahay, waana cidhibta kuwa dhawrsada, sida Naartu u tahay cidhibta gaalada. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wax badan yuu fasiray aayadaha Jannada ka warrami oo tilmaamay inay nicmo ku dhan tahay, xumaanna ka fog tahay, lagana dhimanayn, dhib iyo rafaadna lahayn, ciddii caqli lehna waa inay u darbato, una guuro, una galab carraabo, una kallaho cid guurtayna way gaadhaa maqsadkeeda, haddiise lagu khaldamo dhalanteed iyo bildhaanta adduun waa uun khasaare iyo halaag. Eebbe hana toosiyo. Ar-Racd (33-35)

 

  1. Kuwaan siinnay Kitaabka waxay ku farxaan waxa lagugu soo dejiyey, xisbiyada waxaa kamid ah kuwo diidi qaarkiis, waxaad dhahdaa, “Waxaa uun lay faray inaan caabudo Eebbe una shariik yeelin, xaggiisaan u yeedhi xaggiisaana u noqon.”
  2. Saasaana kuugu soo dejinnay xukun Carabi ah, haddaad raacdo hawadoodana intuu cilmi kusoo gaadhay kadib, kama helaysid xagga Eebbe gargaare iyo dhawre.
  3. Waxaan dirray hortaa Rasuullo waxaana u yeellay haween iyo carruur, Rasuulna mucjiso lama imaan karo idimka Eebbe la’aantiis, muddo kastana way qoran tahay.
  4. Eebbana wuu tiraa wuxuu doono wuuna sugaa, agtiisana waxaa ah Lawxul Maxfuudka.

 

Kuwii ehlu-Kitaabka ahaa qaarkooda rumeeyey Nabiga iyo Xaquu la yimid way ku farxayeen, inkastoo koox kamid ah ay diidi Xaqa qaarkiis, Nabigana waxaa la faray inuu Eebbihiis uun caabudo xaggiisana ugu yeedho dadka illeen xaggiisaa loo noqone, saasaana loogu soo dejiyey Qur’aan Carabi ah, ciddii raacda hawo dad oo xun iyagoo u cilmi leh kama helayo xagga Eebbe gargaare iyo ilaaliye midna. Inuu Eebbe diro Rasuulna waa jid Eebbe oo horreeyey waxayna yeesheen xaas iyo carruur, illeen waa bani-Aadame, Rasuul mucjiso la imaan karana ma jiro idinka Eebbe la‘aantiis, wax kastana waqti go‘an yuu leeyahay, wuxuu rabana Eebbe wuu tiraa, wuxuu doonana wuu sugaa, agtiisana waxaa ah Lawxul Maxfuudka. Taasina waxay ku tusin in ciddii cilmi iyo caqli leh ay rumayn Nabiga iyo Qur’aanka, iyo in Eebbe kaliya la caabudo, looguna yeedho dadka, ciddii Xaqa ka leexata ayan gargaare heleyn, in Rasuulladu dad yihiin oy wax cuni waxna guursan waxna dhalaan, in mucjisadu xagga Eebbe ka timaaddo, in wax walba muddo leeyahay, in Eebbe wuxuu doono tiro kuu doonana sugo. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ruuxa waxaa rizqiga looga hoojiyaa dambi dartiis, ducaduna qaddarkay wax ka tartaa, cimrigana waxaa siyaadiya samo-fal.” Waxaa wariyey Axmed, Nasaa’i iyo kuwo kale. Ar-Racd (36-39)

 

  1. Haddaan ku tusinno qaar waxaan u yaboohi [oo dulli ah waa saas] haddaanse ku oofsanno waxaa uun korkaaga ah gaadhsiin anagana waxaa na saaran inaan xisaabinno.
  2. Miyeyna arkayn inaannu uga imaan dhulka darfaha anagoo nusqaamin furid [ama abaar]? Eebbana wuu xukumi, wax burinna ma jiro xukunkiisa, waana midkay degdeg tahay xisaabtiisu.
  3. Waxaa wax dhagray kuwii ka horreeyey Eebbaase abaal-maris [dhagar] iska leh dhammaan, wuxuuna ogyahay waxay kasban naf kasto, waxayna ogaan gaaladu cidday u ahaato cidhib fiican.
  4. Waxayna dhihi kuwii gaaloobay, “Ma tihid Rasuul,” waxaad dhahdaa waxaa marag ugu filan dhexdeenna Eebbe iyo cidda agteed ogaanshaha Kitaabku yahay.

 

Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) dhib ma saarra hadduu Eebbe ciqaabo gaalada intuu Nabigu noolyahayna waa wanaag, hadduu ka hor oofsadana waxaa uun Nabiga saaran gaadhsiin, Eebbana xisaabtooda, wuuna u gargaaray Eebbe Rasuulkiisa, gaaladiina jabiyey isagoo nool, waxaana u muuqatay in dhulka darfaha lagasoo nusqaaminayey oo Islaamku ka adkaanayey gaalnimada, xukunkana Eebbaa iska leh, wax xukunkiisa ka daba hadli karana ma jiro, xisaabtiisuna way degdegtaa, dhagarna waa shaqada gaalada ama ha horreeyeen ama ha dambeeyeene, Eebbaase dhammaan abaal-marin iska leh oo ka jaasiin, gaalana mar un bay ogaan cidda cidhibta fiican u hadho, waxayba ku af adeygeen inay Nabiga beeniyaan kuna dhahaan ma tihid Rasuul, maxaase looga baahan yahay maraggooda, waxaa marag ugu filan Eebbihiis iyo ciddii cilmi leh oo rumeysan Nabiga oo ehlu-Kitaabkii ah. Suuradduna waxay ku dhammaatay dhagarta gaalada xumiddeeda, in Xaqu sarreyn, in cidhib fiican Muslimiintu heli, in Rasuullada Eebbe soo diray maragna ugu filan yahay. Ar-Racd (40-43)

***

Suurat Ibraahiim

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Alif. Laam. Raa. [Xarfaha hore oo kale waa lasoo sheegay macnahooda] kanna waa Kitaab aannu kugu soo dejinnay inaad kaga bixisid dadka mugdiyada xagga nuur idanka Eebbohood iyo Jidka Eebbaha adkaada ee la mahadiyo.
  2. Ilaaha iska leh waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, halaagna waxaa mudan gaalada cadaab daran xaggiis.
  3. Oo ah kuwa ka jecel nolosha adduun Aakhiro oo ka leexiya [dadka] Jidka Eebbe lana dooni qallooc, kuwaasuna waxay ku sugan yihiin baadi fog.
  4. Rasuul kuma dirro waxaan afka qawmkiisa ahayn si uu ugu caddeeyo, wuuna baadiyeeyaa Eebbe cidduu doono inta Xaqa loo caddeeyey kadib, wuuna hanuunin cidduu doono, waana adkaade falsan.

 

Qur’aanka Eebbaa kusoo dejiyey Nabiga Muxammad ah (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu dadka mugdiga iyo jahliga kaga saaro oo Nuur iyo Jidka Toosan ee Ilaahay u saaro, illeen Eebbaa awood lehe, lana mahdiya, lehna cirka iyo dhulka waxa ku sugane, halaag iyo ciqaabna waxaa mudan gaalada adduun ka doortay Aakhiro oo Jidka Eebbe dadka ka leexiya doonina qalloociisa iyo xumaantiisa, kuwaasuna waa kuwa baadi fog ku sugan, xikmadda Ilaahayna waxay keentay in Rasuul kasta lagu bixiyo afka qawmkiisa si marka hore iyaga loo gaadhsiiyo markaas u-faafto diintu, mana keenin xikmadda Eebbe in af kasta lagu diro maxaa yeelay afafku way badan yihiin, saasaana Nabigeennii loogu bixiyey luuqadda Carabiga oo cid kastoo Muslim ah iyo caalamkaba laga rabo inuu barto. Rasuulkana waxaa saaran u-caddeyn Xaqa, dadkana waxaa saaran rumeyn, Eebbana wuu xisaabin cid kasta waxay beeratay khayr iyo shar. Ibraahiim (1-4)

 

  1. Waxaan la dirray [Nabi] Muuse aayaadkannaga, “Bixi qawmkaaga mugdiyada xagga Nuurka, kuna waani [xusuusi] nicmooyinkii Ilaahay,” arrintaasna aayaad baa [calaamooyin] ugu sugan samir badane, shukri badan dhammaantiis.
  2. Iyo markuu [Nabi] Muuse ku yidhi qawmkiisa, “Xusuusta nicmada Eebbe korkiinna markuu idinka koriyey colkii Fircoon iyagoo idin dhadhansiin cadaab [daran] xun oo gawrici wiilashiinna oo dayn gabdhihiinna [dullaysi] arrintaasna waxaa ku sugnayd balaayo [imtixaan] Eebbihiin oo wayn.”
  3. “Iyo markuu Eebbihiin ogaysiiyey, ‘Haddaad shukridaan waan idiin kordhin, haddaad gaalowdaanna cadaabkaygu waa daran yahay.’”
  4. Wuxuuna yidhi [Nabi] Muuse, “Haddaad gaalowdaan idinka iyo waxa ku sugan dhulka dhammaan Eebbe waa hodan mahadsan.”

 

Eebbe wuxuu la diray Nabi Muuse sagaal mucjiso si uu qawmkiisa mugdiga uga saaro Nuurkana u-tusiyo, kuna wacdiyo isagoo xusuusin nicmooyinkii Eebbe, waana arrin calaamo u ah ciddii samir iyo shukri badan. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Amarka mu‘minku waa la-yaab, wax kastoo Eebbe u keeno waa u khayr, dhib hadduu ku dhaco wuu ku samraa khayr bayna u noqotaa, haddii wanaag soo gaadhana wuu ku shukriyaa khayrna way u-noqotaa.” Waa xadiith saxiix ah. Nabi Muusana wuxuu xusuusiyey qawmkiisii sida Eebbe ugu nicmeeyey ugana koriyey Fircoonkii dullaystay ee wiilasha laynaayey gabdhahana dullaysanayey, waxayna ahayd imtixaan wayn, Eebbana wuxuu dadka ogaysiiyey in ciddii ku shukridana uu u-kordhin nicmada, tii ka gaalowdana cadaabka Eebbe daran yahay, dhammaan hadday dadku gaaloobaanna Eebbe waa hodan mahadsan, umana baahna taakulayn iyo gacan-siin, waxaase kaalmo u-baahan miskiinkaa dadka ah ee haddana markuu ladan yahay wax is-bidi. Ibraahiim (5-8)

 

  1. Miyuuna idin soo gaadhin warkii kuwii idinka horreeyey [oo ah] qawmkii [Nabi] Nuux, Caad, Thamuud, iyo kuwii ka dambeeyey? Ma oga [tiradooda] Eebbe mooyee, waxayna ula yimaadeen Rasuulladoodii xujooyin waxayna ku celiyeen gacmahooda afkooda [way beeniyeen] waxayna dhaheen, “Annagu waan ka gaalownay waxa laydinku soo diray annaguna shaki baan kaga sugannahay waxaad noogu yeedhaysaan xaggiisa oo daran.”
  2. Waxay dheheen Rasuulladoodii, “Ma Eebbaa shaki ku jiraa ee abuuray samooyinka iyo dhulka idiinkuna yeedhi inuu idinka dhaafo dambiyadiinna dibna idiin dhigo tan iyo muddo magacaaban?” Waxayna dheheen, “Idinku ma tihiin waxaan bashar [dad] na lamid ah ahayn, waxaadna doonaysaan inaad naga leexisaan waxay caabudi jireen aabbayaalkanno, noo keena xujo cad.”
  3. Rasuulladii waxay dheheen, “Annagu ma nihin waxaan dad idin lamid ah ahayn, Eebbaase ku mannaysta [khayr] cidduu doono oo addoomadiisa kamid ah, xujana idiinma keeni karro idinka Eebbe mooyee, Eebbe uunna ha tala-saarteen mu‘miniintu.”
  4. “Maxaanaan u talo-saaranayn Eebbe isagoo nagu hanuuniyey jidkannaga, waana ku samraynaa waxaad nagu dhibaysaan Eebbe uun ha talo-saarteen kuwa talo-saaran [cid].”

 

Wax badan yuu Eebbe ka warramay ummadihii hore iyo waxa ku dhacay si loogu waano-qaato, wayna badnaayeen, Nabiyadii iyo Xaqiina way diideen, iyagoo shakiyey Xaqa, Rasuulladuse waxay u-sheegeen inaan Eebbe iyo Xaqu shaki lahayn, see loo shakin Eebbaha cirka iyo dhulka iyo wax kasta oo khalqi ah abuuray, runtii waxaa shakin Eebbe iyo abuurkiisa gaalada liita ee jecel inay xumaanta dabaashaan si aan waxna u celin, Eebbe dadka wuxuu ugu yeedhi dambi-dhaaf, wuxuuna u-yeelay waqti magacaaban, mana habboona in gaaladu xujaystaan in Nabiyadu dad lamid ah yihiin kana leexin waxay aabbayaalkood caabudi jireen, Rasuulladuse waa dad Eebbaase ku mannaystay waxyi iyo suubbanaan, waxay la imaan karaanna ma jiro idin Eebbe la‘aantiis, Eebbaana cid la talo-saarto ah, mu‘miniinta iyo Rasuulladuna isagay talo-saartaan illeen isagaa hanuuniyey Jidka Toosanna ku tusiyey, waana in lagu samro oo loo adkaysto dhibka Xaqa dartiis kugu gaadhi adoo isku dayi inaad si fiican isaga reebtid, Eebbayna mu‘miniintu talo-saartaan. Wakaas Xaqii iyo wanaaggii, maxayse hayaan gaalada Xaqa diidaysa ee beenaalayaasha ah? Waxba. Ibraahiim (9-12)

 

  1. Waxay ku dheheen kuwii gaaloobay Rasuulladoodii, “Waxaynu idinka bixin dhulkannaga ama waxaad kusoo noqonaysaan [soo galaysaan] diintannada,” wuxuuna u waxyooday Eebbahood inuu halaago daalimiinta.
  2. Dajinna idinka dhulka kuwaas kadib, arrintaasna waxaa heli ciddii ka cabsata la-kulankayga oo ka cabsata gooddigayga.
  3. Wayna gargaar-dalbeen waxaana khasaaray kibir-badane madax-adag dhammaantiis [Xaq-diid].
  4. Waxaana ka horraysa Jahannamo waxaana laga waraabin biyo carow ah [dhacaanka ehlu-Naarka].
  5. Wuuna ku margan mana ka degayo wuuna uga imaan mawdku [geeridu] meel kasta, mana dhimanayo, gadaashiisna waxaa ah cadaab adag.
  6. Kuwa ka gaaloobay Eebbahood wuxuu lamid yahay camalkoodu dambas ku darraatay [ku dhacday] dabayli maalin dabayl dhabasho daran, kama karaan (helaan) waxay kasbadeen waxba, kaasina waa baadida fog uun.

 

Siday caadada gaaladu tahay had iyo jeer waxay ku haddidi jireen Rasuulladii inay dhulkooda ka eryi ama ay soo geli diintooda, waxaad mooddaa inay dhulka iyaga kaliya leeyihiin dhabtuna waa in dhulka Eebbe leeyahay ugana raalli yahay inay ku noolaato ciddii caddaalad iyo Islaamnimo ku fulin oyan gaaladu lahayn say sheegi, daalin waa la halaagi waxaana u hadhi dhulka ciddii Eebbe ka yaabta, Rasuulladii iyo gaaladuba way gargaar warsadeen, waxaase khasaari ciddii kibir badan oo Xaqa is kala wayn galina cadaab daran oon geeri iyo nolol midna ahayn, gaalada camalkeeduna waa sida dambas dabaylu qaadday oo waxba kama helaan, waxayna ku sugan yihiin baadi fog. Waxaa Abii Umaamo laga wariyey in Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) in biyo Naareed loosoo dhawayn gaalka oo uu nici wajiga iyo madaxana ka gubi markuu cabbana xiidmuhu soo daadan. Waxaa sheegay Imaam Axmed. Eebbe ha naga koriyo Naarta. Camalbaase loo baahan yahay. Ibraahiim (13-18)

 

  1. Miyeydaan arkayn in Eebbe u-abuuray samooyinka iyo dhulka xaq, hadduu doonana idin tagsiin karo lana imaan karo khalqi cusub?
  2. Arrintaasina Eebbe kuma adka.
  3. Waxayna dadku usoo bixi Eebbe markaasay ku dhihi kuwii [raaciyada] ahaa kuwii madaxda ahaa, “Annagu idinkaan idin raacaynay ee wax ma nooga taraysaan cadaabka Eebbe?” Waxayna dhahaan, “Hadduu Eebbe na hanuuniyo waan idin hanuunin lahayn, waa isugu mid korkeenna haddaan argaggaxno ama samirno [adkaysanno] ma helayno fakasho.”
  4. Wuxuuna dhahaa Shaydaankii marka amarka la xukumo, “Eebbe wuxuu idiin yaboohay yabooh xaq ah anna waan idiin yaboohay waana idinku beeniyey, wax xujo ahna idinkuma lahayn oon ahayn inaan idiin yeedhay ood i maqasheen ee hay dagaalina ee dagaala naftiinna anuguna idiinma gargaari karo idinna iima gargaari kartaan, anugu waan diiday waxaa ila wadaajiseen horay,” daalimiintuna waxay mudan cadaab daran.
  5. Waxaana la gelin kuwii rumeeyey Xaqa oo camal fiican falay Jannooyin ay socoto dhexdeeda wabiyadii iyagoo ku dhex waari idanka Eebbe dartiis soo dhawayskooduna dhexdeeda waa salaan.

 

Dadkoo dhan Eebbey hor-imaan Qiyaamada, waxaana is-dagaali oo murmi madaxdii xumayd iyo raaciyadoodii oo ay raaciyadu dhihi, “Idinkaa na dhumiyey ee wax manoo taraysaan?” Iyana ugu jawaabi inayan waxba u-tarayn, hadday argaggaxaan iyo hadday adkaystaanna isku-mid tahay wax u-gargaarina ayan helayn, waxaana la xidhiidhiyey iyaga iyo Shaydaan oo isna marka dadka la kala-xukumo u-sheegi kuwuu dhumiyey in Eebbe dhabta u-sheegay isna been u sheegay wax xoog ah ama xujo ahna uusan u-haysan saasna warkiisii ku maqleen, ee hays dagaaleen iyagu ee yeyna dagaalin isaga waxna isuma tari karaan, wuuna kaga baxay warkoodii, gaalna cadaab daran baa u-sugnaaday, mu’miniintana waxaa la gelin Jannooyin khayr ku dhan yahay ay ku waari dhexdeedana ay salaan iyo nabadgalyo kala kulmi. Saasayna u muuqataa siday isu-dagaali isuna canaanan madaxdii dhumisay dadkeeda iyo dadkeey dhumiyeen, iyo siduu Shaydaan khudub ugu akhrin kuwuu dhumiyey. Shacbi wuxuu yidhi, “Wuxuu ka khudbayn Qiyaamada dadka hortooda.” Saas darteed waa inaan cidna lagu raacin xumaan laga digtoonaado Shaydaanka jinniga iyo kan insigaba, Eebbana aan lagaa dhex-marin si aad u-liibaanto. Ibraahiim (19-23)

 

  1. Ma ogtahay sida Eebbe ugu yeelay tusaale kalimadda [erayga] fiican sida geed wanaagsan oo xididdadeedii dhulka ku sugan yihiin laamaheediina samada [kor jiraan].
  2. Oo siisa [bixisa] cunnadeeda waqti kasta idanka Eebbeheed dartiis, wuuna u yeelaa Eebbe tusaalayaal dadka inay waantoomaan.
  3. Kalimadda [erayga] xunna [gaalnimada iyo xumaanta] waxay lamid tahay geed xun lagana rujiyey dhulka korkiisa oon sugnaan lahayn.
  4. Wuxuu ku sugaa Eebbe kuwa rumeeyey Xaqa erayga sugan [ashahaadada iyo Xaqa] nolosha adduun iyo Aakhiraba wuxuuna dhumiyaa daalimiinta, wuxuuna falaa Eebbe wuxuu doono.
  5. Ma ogtahay kuwa ku baddelay nicmadii Eebbe gaalnimo, dejiyeyna qawmkoodii guri halaag.
  6. Jahannamayna gali meel lagu sugnaadana iyadaa u xun [Jahannamo].
  7. Waxayna u-yeeleen Eebbe shariik inay ka dhumiyaan Jidkiisa, waxaad dhahdaa raaxaysta ahaanshihiinnu waa Naare.

 

Hadal fiican iyo Xaqu wuxuu lamid yahay geed fiican oo midho badan waqti kastana cunno laga helo, tan xunna waxay lamid tahay geed xun oon sugnayn waxna laga helayn, hadalka fiicanna waxaa u-horreeya ashahaadada waxaana soo raaca hadal kasta oo khayr ah, kan xunna waa gaalnimo iyo dambi iyo dhib Muslim, Eebbana wuxuu mu‘miniinta ku sugaa adduun iyo Aakhiraba hadalka sugan ee Xaqa ah, waxaana Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ka sugnaaday xadiithyo badan oo ka warrami su‘aasha qabriga iyo sida mu‘minka Eebbe u-waafajin Xaqa una dhihi Eebbahay waa Ilaahay, Diintaydu waa Islaam, Nabigaygu waa Muxammed, markaas loo nicmayn, daalimiintase wuu dhumiyaa oo gafsiiyaa Xaqa illeen iyagaa ka jeedsadaye, Eebbana wuxuu doono yuu falaa, wax ka xun ma jiro kuwa ku baddasha nicmada Xaqa iyo wanaagga gaalnimo iyo Xaq-diiddo, dadkoodiina dejiya una horseeda guri halaag iyo jab, iyo Jahannamo iyo meel daran, una yeela Eebbe shurako iyo wax lala caabudo xaq-darrana arrinkiisa lagu raaco. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Gaaladoo dhan yaa loola jeedaa oo Eebbe wuxuu kusoo diray Nabiga Muxammad ah naxariis iyo nicmo, ciddii oggolaatana oo ku mahdisa Eebbana Jannay mudan, tii diiddana ciqaabay mudan iyo cadaab.” Cumar binu Khaddaab waxaa laga wariyey, “Waa labadii dambiilayaal ee Qureysh Banuu Muqiira iyo Banuu Umayya, Banuu Muqiirase waxaa la halaagay maalintii Badar, Banuu Umayyase waxaa loo raaxeeyey muddo.” Ibraahiim (24-30)

 

  1. Ku dheh addoomadayda rumeeyey [Xaqa] ha oogeen salaadda hana ka nafaqeeyeen waxaan ku arzaaqay qarsoodi iyo muuqba kahor imaatin maalin aan gadasho iyo saaxiib jirin [Qiyaamada].
  2. Eebbe waa kan abuuray samooyinka iyo dhulka kanasoo dejiyey samada biyo kunasoo bixiyey midho rizqigiinna dartiis, idiinna sakhiray doonta inay ku socoto badda amarka Eebbe idiinna sakhiray wabiyada.
  3. Idiinkuna sakhiray qorraxda iyo dayaxa si joogta ah idiinna sakhiray habeenka iyo maalinta.
  4. Idinkana siiyey wax kastood warsataan, haddaad tirisaanna nicmada Eebbana ma koobi kartaan, dadse waa dulmi-badane gaalnimo badan.
  5. Xusuusta markuu [Nabi] Ibraahiim yidhi, “Eebbow ka yeel baladkan (Makka) aamin igana dheeree ani iyo carruurtayda inaan caabudno sanamyada.”
  6. “Eebbow waxay dhumiyeen wax badan oo ciddii i raacdana waa iga mid tii i caasidana adaa dambi-dhaafe naxariista ah.”

 

Eebbe wuxuu faray addoomadiisa daacadiisa, salaad, wax-bixin qarsoodi iyo muuqba Qiyaamaha kahor illeen wax-gadasho, ganacsi iyo saaxiibtinnimo ma jirtee, Eebbaha mudan cibaadadaasna waa kan abuuray cirka iyo dhulka kana soo dejiyey cirka biyo cunno soo saara, una sahlay dadka markabka, qorraxda, dayaxa, wabiyada, habeenka iyo maalinta iyo wax kastooy u baahan yihiin, siiyana addoomadiisa waxay warsadaan, nicmada Eebbe ee Xaq-rumeyn, caafimaad, caqli, cilmi, rizqi iyo kuwo kale ee badan lehna wax tiro lagu koobi karo ma aha ee waxaa loo baahan yahay in lagu mahdiyo Eebbe daacadiisa, wanaagga iyo khayrna loogu dhaqmo, illeen caadada dadka waxaa kamid ah dulmi iyo Xaq-diidnimo. Aayadaha dambe waxay ka warrami in Nabi Ibraahiim Eebbe ka baryey inuu Makka ka yeelo balad aamin ah kana fogeeyo isaga iyo carruurtiisaba inay sanam caabudaan illeen dad badan baa ku dhumaye, in nicmada Eebbe lagu shukriyana waa waajib. Abii Dardaa waxaa laga wariyey, “Ruuxaan aqoonsan nicmada Eebbe korkiisa cunno iyo cabbid mooyee waxaa yaraaday camalkiisa waxaana soo dhawaaday cadaabkiisa.” Camal fiican, dad-anfac, xaq u-yeedhid iyo wanaag yaa lagu mutaa gudashada shukriga Eebbe. Ibraahiim (31-36)

 

  1. “Eebbow waxaan dejiyey carruurtaydii [qaar] tog aan beer lahayna oo ah Baytkaaga sharafta leh agtiisa Eebbow inay oogaan salaadda ee ka yeel quluubta dadka tii u-iilata xaggooda kuna arzaaq midho inay shukriyaan.”
  2. “Eebbow adugu waxaad ogtahay waxaannu qarin iyo waxaannu muujin, kamana qarsoona Eebbe waxba samada iyo dhulka [midna].”
  3. “Mahad Eebbaa iska leh ee ah kan i siiyey anoo wayn Ismaaciil iyo Isxaaq Eebbahayna waa maqlaha baryada [ajiibe].”
  4. “Eebbow iga yeel mid ooga salaadda aniga iyo carruurtayda Eebbow aqbal baryadayda.”
  5. “Eebbow ii dambi-dhaaf ani iyo labadaydii waalid iyo mu‘miniinta maalinta ay kici xisaabtu [Qiyaamadu].”
  6. Ha u-malayn in Eebbe halmaansan yahay waxay fali daalimiintu, wuxuu uun dib ugu dhigi maalin ay taagmi dhexdiisa indhuhu.
  7. Oyna degdegi oo madax kor-yeeli oosan soo noqonayn araggoodu [taagmi indhuhu] quluubtooduna oy madhan tahay [cabsi darteed].

 

Aayadaha hore waxay aad ula xidhiidhaan aayadihii ka horreeyey, wuxuuna Nabi Ibraahiim Eebbe ka baryey inuu quluubta dadka usoo jeediyo xagga Baytkiisa uu ag-dejiyey carruurtiis isagoon beer lahayn, wuxuuna ka baryey inuu ku arzaaqo midho si ay cibaadada u-gutaan kuuguna shukriyaan, Eebbana waa ka aqbalay oo waxaa muuqda in Makka balad nicmo tahay, waxaase loo baahan yahay camal fiican mahad Eebbe iyo isu-naxariisasho, Nabi Ibraahiim wuxuu isu-bandhigay Eebbe oo uu yidhi “Adaa og wax kasta wax kaa qarsoonna ma jiro,” wuuna ku mahdiyey Eebbaha siiyey Ismaaciil iyo Isxaaq isagoo wayn, illeen Eebbaa ducada aqbalee, wuxuuna Eebbe ka baryey inuu ka yeelo mid daa’ima gudashada salaadda isaga iyo carruurtiisa ducadana ka aqbalo, una dambi-dhaafo isaga, waalidiintiis, iyo mu‘miniintaba maalinta lays xisaabin Qiyaamada, maxaa ka cajab badan Nabi Ibraahiim iyo naxariistiisa iyo xaalkiisa? Tan kale Eebbe ma halmaansana daalimiintu waxay fali, wuxuu dib ugu dhigi maalin indhuhu taagmi Qiyaamada, oo cabsi badan quluubtuna gilgilan cabsi darteed, dhibka Qiyaame iyo culayska iyo waxyaalaha ku sugan waa wax Eebbe laga magan-galo loona darbado lana feejignaado, Alla ha sahlo. Ibraahiim (37-43)

 

  1. Uga dig dadka maalintuu u-iman cadaab oy odhan kuwii dulmi falay, “Eebbow dib noogu dhig muddo dhaw aan ajiibno yeedhiddaadee oon raacno Rasuulladee.” Miyeydaan ahayn kuwii ku dhaartay horay inaydaan tegayn?
  2. Oo degteen guryihii kuwii dulmiyey naftooda oo idiin caddaaday sidaan ku fallay iyagii oon idiin yeellay tusaalayaal.
  3. Iyagoo dhagar samayn Eebbe agtiisaana abaalka dhagartoodu yahay, dhagartooduna ma aha mid la suulaan [tagaan] buuruhu.
  4. Ee ha u-malayn in Eebbe baajin u-yabooha Rasuulladiisa illeen Ilaahay waa adkaade aarsadee.
  5. Maalin buuna [oofin] lagu beddeli dhulka dhul kale iyo samooyinkaba, waxaana loo soo bixi Eebbaha kalida ah ee awoodda sara leh.

 

Eebbe wuxuu faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu uga digo dadka cadaab daran kahor intayan warsan in dib loo dhigo muddo yar si ay u-maqlaan Xaqa Rasuulladana u-raacaan, waxayse horay ugu dhaarteen inayan ka guurayn adduunka, iyagoo waliba degay guryihii kuwii ka horreeyey ee daalimiinta ahaa ee la halaagay, una caddaatay sida Eebbe ku falay, haddana gaaladu dhagar iyo khiyaanad kama daayaan Xaqa iyo mu‘miniinta, inkastoon dhagartoodu buuro jajabinayn, oyse u dhawdahay, Eebbana baajin maayo ballan-qaadkiisii ahaa inuu Rasuullada u-gargaari, waana adkaade aarsada maalin dhulka iyo cirka lagu baddali dhul kale iyo cir kale, dhammaan dadkuna usoo bixi Eebbaha kalida ah ee awoodda sare, waana maalinta Qiyaame. Waxaa Bukhaari iyo Muslim ku sugnaaday in dadka lagusoo kulmin maalinta Qiyaame dhul cad oo nadiif ah oon cidna calaamo ku lahayn, siduu Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) Eebbase wuu u naxariisan mu‘miniinta Xaqa raacay ee si dhab ah u-caabuday, wuxuuna ciqaabi Xaq-diidayaasha gaalada ah ee khayaamada, dhagarta, dhuminta iyo xumaanoo dhan u-maleegi Xaqa iyo Islaamka, adduunkase waa in lagu dulleeyo gacmaha Muslimiinta, Aakhirana waa inay la kulmaan wax madaxooda ka wayn oo ciqaab iyo dulli ah. Ibraahiim (44-48)

 

  1. Waxaadna arkaysaa danbiilayaashii oo maalintaas lagu xidhiidhiyay [lays kula-xidhay] biro [Naareed].
  2. Dharkooduna [qamiisyadoodu] waa daamur [Naar ah] waxaana dabooli wajigooda Naar.
  3. Inuu ka abaal-mariyo Eebbe naf kasta waxay kasbatay, Eebbana way degdegtaa xisaabtiisu.
  4. Qur’aankana waa gaadhsiin dadka iyo in loogu digo iyo inay ogaadaan in Eebbe Ilaah kaliya uun yahay, iyo inay waantoonto cidda caqliga leh [mu‘miniinta].

 

Eebbe cidna ma dulmiyo ee dadku iyagaa naftooda dulmiya, Maalinta Xisaabta ee Qiyaamana cid walba waxaa laga abaal-marin camalkeeda, waxaana danbiilayaasha gaaloobay la isugu xidhxidhi kooxo iyo labo iyagoo loo xidhi dhar Naar ah wajigoodana Naaru dabooli, taasina waa in Eebbe ka abaal-marin ruux kasta wuxuu kasbaday, oy Eebbana degdegto xisaabtiisu. Qur’aankuna waa Xaq iyo war dhab ah oo cad kanasoo fulay Xaakimka awoodda badan ee wax kasta ku hoos jiraan, Ilaaheenna wayn, lana gaadhsiin adduunka iyo dadkoo dhan, si loogu digo, iyo inay ogaadaan in Eebbe Ilaah kaliya yahay oy kuna waano-qaataan kuwa caqliga leh. Taasina waxay ku tusin in dambiilayaasha la abaal-marin, in Qur’aanku iyo Diinta Islaamku caalami yahay, dadkoo dhanna ay waajib ku tahay rumayntiisu, raaciddiisa, ku-dhaqankiisa, ugu-yeedhidda dadka, ogaansho inuu u suubado waqti kasta, in wanaag ku dhan yahay, inuu yahay jidkii Jannada iyo liibaan adduun iyo Aakhiraba. Ibraahiim (49-52)

 

Suurat al-Xijr

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. [Xarfaha hore waa lasoo sheegay macnahooda.] Kuwanna waa aayadaha Kitaabka iyo Qur’aanka cad.
  2. Wax badan bay tamanin [jeclaan] kuwii gaaloobay [Aakhiro] inay Muslimiin ahaadaan [adduunkii].
  3. Ka-tag ha cuneen hana raaxaysteene hana shuqliso yididiilo way ogaan doonaane.
  4. Magaalo kasta oo la halaago waxaa u-sugnaaday waqti la yaqaanno.
  5. Kamana hor-marto ummadi ajasheeda [waqtigeeda] kamana dib marto.
  6. Waxay dhaheen, “Kan Qur’aanka lagusoo dejiyayow adugu waad waalan tahay.”
  7. “Maad malaa‘ig noo keentid haddaad run sheegi.”
  8. Umana soo dejinno malaa‘igta xaq mooyee lamana sugeen gaalada [markaas].
  9. Annagaa soo dejinnay Qur’aanka annagaana dhawri.

 

Qur’aanku waa Kitaab Xaq suganna oo Eebbe soo dejiyay, gaaladuna markay ku kaliyoobaan Naarta oo dadkii caasiyiinta ahaa ee Muslimiinta ahaa laga saaro Naarta yay shalaayi waxay Muslimiin u noqon waayeen, waase la dhaafay saacaddeedii, waqti calaacalna wuu dhammaaday ee waa uun Janno mu‘min iyo Naar danbiilayaal, illeen adduunkii yay iska cuneen ooy iska raaxaysteen iyagoo Xaqa beeniyay wayse arki waxa ku dhaca Aakhiro, cid kastana mudday leedahay ayna ka hor-marayn kana dib-marayn marka la halaagi, marka Xaqa loo caddeeyo. Gaaladii waxay ku sheegeen Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu waalan yahay waxayna warsadeen in malaa‘ig loo soo dejiyo, malaa‘igtu farriin ama halaag un bay lasoo degtaa. Tan kale Eebbaa Qur’aanka soo dajiyay isagaana ilaalin, Eebbana wakaas ka dhawray Qur’aanka halmaansho, baddalaad, leexin, nusqaamin iyo wixii ku dhacay Kutubihii hore oo leexin ah, waxaadna aragtaa in malaayiin Muslimiin ah xifdisan tahay meelo kala duwan oo caalamka ah, waxaa kaliya ee loo baahan yahay in lagu dhaqmo, lagana qaato xukunka, mucaamilada, maamulka iyo wax kastoo nolosha taaban, illeen waa Kutaab adduun iyo Aakhiree, mase aha siday rabaan gaaladu iyo jaahiliintu inuu noqdo Kitaab Aakhiro kaliya. Al-Xijr (1-9)

 

  1. Waxaan u dirray hortaa [Rasuullo] ummadihii hore.
  2. Rasuul kasta oo u-yimaadana waxay ahaayeen kuwo ku jeesjeesa.
  3. Saasaana u galinnaa [gaalnimada] quluubta dambiilayaasha.
  4. Mana rumeeyaan Qur’aanka waxaana tagay [hor-maray] sumaddii [jidkii] kuwii horreeyey.
  5. Haddaan uga furro korkooda irrid samada ooy ahaadaan kuwo kora
  6. Waxay odhan lahaayeen, “Waxaan uun la-awday [la-tiray] aragyadannadii, waxaabanse nahay qawm la-sixray.”
  7. Waxaan yeellay samada buruuj [meelo] waxaan u qurxinnay kuwa dayi [eegi].
  8. Waxaana ka dhawrnay Shaydaan la-tuuray [fogeeyey] dhammaantiis.
  9. Mid dafa maqalka oo danab cad raaco mooyee.
  10. Dhulkana waan fidinnay waxaana ku ridnay [sugnay] dhexdeeda buuro, waxaana kasoo bixinnay wax kasta oo miisaaman.
  11. Waxaana idiinka yeellay dhexdiisa nolol iyo waxaydaan arzaaqi karin.

 

Eebbe wuxuu u-diray Rasuullo ummadihii hore, wayna ku jeesjeesi jireen Rasuul kasta, saasayna quluubtooda xumaan loo galiyey ooyen Qur’aanka iyo Xaqa u-rumeynin, wax badan baana la halaagay hortood, gaalnimadooda iyo madax-adaygooda, haddii samadaa irdaha looga furo oo ay koraan waxay dhihi lahaayeen, “Waa nala indho-awday oo Xaq ma aragno waana nala sixray,” siday sheegeen kuwo kor u-baxay samadana Eebbe wuxuu yeelay manaazil iyo qurux ciddii eegi oo ku waano-qaadan waana laga dhawray Shaydaan mid maqalka dafa oo danab raaco mooyee, dhulkana wakaa Eebbe fidiyey buurana ku sugay, cunno miisaamanna kasoo saaray, nololna dadka u dhex-yeelay iyaga iyo waxayna arzaaqi karin oo xoola ah, Eebbaa wayn, wataas awooddiisu iyo khalqigiisu iyo naxariistiisu iyo nicmooyinkiisu yaase ku waano-qaadan oo rumeyn, oo ku mahdin oon mu‘miniinta ahayn. Al-Xijr (10-20)

 

  1. Waxaan agtannada khaznadihiisu [kaydkiisu] ahayn ma jiro, umana soo dejinno qaddar la ogyahay mooyee.
  2. Waxaana dirnaa dabaysha oo tallaasha [daruurta] waxaana kasoo dajinaa samada biyo aan idinku waraabinno idinkoon ahayn kuwo ka keydsan kara [gudhidda].
  3. Annagaa wax nooleeyna waxna dilla, anagaana wax dhaxalla uun [u-hadha].
  4. Waxaana ognahay kuwiinna hor-maray waxaana ognahay kuwiina dib-maray.
  5. Eebbahaana isagaa soo-kulmin dadka waana falsame oge ah.
  6. Annagaana ka abuurray dadka dhoobo doorsoon.
  7. Jaankana [jinniga] waxaan ka abuurnay mar hore naar samuum leh [kulayl].

 

Wax kasta Eebbe agtiisa wuxuu ku leeyahay khaznad iyo meel kayd, wax walbana wuxuu ku leeyahey Eebbe agtiisa qaddar la yaqaanno, dabayshana Eebbaa soo dira si ay u-tallaasho daruuraha, samadana Eebbaa uga keena kana waraabiya iyagoon kaydsan karin hadday gudhaan oo ceelku ama wabigu ingago, Eebbaana waxa nooleeyee waxna dila, una hadhi dhulka marka khalqigu halaagsamo isagaana og ciddii hor-mari iyo tii dib-mari, ama camal fiican iyo camal xun ama geeri iyo nolol ama Jahaadka iyo ka-tagiddiisa, Eebbaana dhammaan soo-kulmin illeen waa falsame wax walba oge. Dadkana Eebbaa asalkoodii ka abuuray carro doorsoon, jinnigana ka abuuray naar kulul, aayaduhuna waxay ku tusin in wax walba kaydkoodu Eebbe agtiis yaal, in wax kasta qaddar la-yaqaan leeyahay, in Eebbe inoogu naxariisto roobka iyo biyaha, wax Eebbe kasoo hadhay oo kaydin karana jirin, geeri iyo nololla Eebbaa haya, isagaana baaqi ah, ciddii hor-mar sheegaan iyo mid dib-u-dhac ku yimidna Eebbaa oge ma aha war iyo hadal layska yidhi, in Eebbe soo kulmin dadka, in Eebbe dadka asalkoodii Nabi Aadam ka abuuray carro doorsoon, oyan ahayn siday gaalada doqomada ah ee wax u-dhiman yihiin sheegi, iyo in jinniga laga abuuray naar. Waxaas oo dhanna waxay sugi cibaadada iyo Xaqnimada Eebbe. Al-Xijr (21-27)

 

  1. Xusuuso markuu ku yidhi Eebbahaa malaa‘igta, “Anugu waxaan ka abuuri dad dhoobo doorsoon.”
  2. “Ee markaan ekeeyo kuna afuufo dhexdiisa ruuxdayda ugu dhaca sujuud.”
  3. Wayna sujuudeen malaa‘igtii dhammaan oo kulansan.
  4. Ibliis oo diiday inuu kamid noqdo kuwa sujuuday mooyee.
  5. Wuxuuna yidhi [Eebbe] “Ibliisow maxaad leedahay oodan u-noqonin kuwa sujuuda.”
  6. Wuxuuna yidhi, “Ma ihi mid u-sujuudi dad aad ka abuurtay dhoobo doorsoon.”
  7. Wuxuuna yidhi Eebbe, “Ka-bax xaggeeda adigu waa lagu fogeeyaye.”
  8. Korkaagana waxaa ah lacnad tan iyo Maalinta Abaal-marinta [Qiyaamada].
  9. Wuxuuna yidhi, “Eebbow i sug tan iyo maalinta lasoo bixin dadka.”
  10. Wuxuuna yidhi Eebbe, “Adugu kuwa la sugi yaad kamid tahay.”
  11. Tan iyo maalinta waqtiga la-yaqaan leh.

 

Abuuridda Nabi Aadam iyo sida Eebbe u-faray malaa‘igta inay u-sujuudaan iyagoo salaami een caabudaynin, iyo sida Ibliis u-diiday, isagoo iska-kibriyay oo sheegan jaahilnimo inuu ka asal fiican yahay iyo sida Eebbe u-lacnaday naxariistiisana ugu dheereeyay, loona sugay tan iyo maalinta dadka lasoo bixin dhammaan waxaa lagaga sheegay Qur’aanka meelo badan, waxaase loo baahan yahay uun in la ogaado in Ibliis iyo xisbigiisu oo ah inta gaalnimada iyo xumaanta ku raacday oy col u-yihiin mu‘miniinta, Islaamka Qur’aanka iyo wanaagga, saas darteed waa in laga digtoonaado colna laga yeesho samahana lagu dadaalo. Al-Xijr (28-38)

 

  1. Wuxuuna yidhi Ibliis, “Eebbow i baadiyayntaada darteed waxaan u-qurxin dhulka dhexdiisa waana dhumin dhammaan.”
  2. “Addoomadaada cibaadada kuu kali-yeelay mooyee [lana doortay].”
  3. Eebbe wuxuu yidhi, “Kaasi waa jid igu toosan [oo layska abaal-marin].
  4. Addoomadayda [toosan] kuma lihid xujo cid ku raacday oo kuwa baadida ah kamid ah mooyee.
  5. Jahannamaana yaboohoodu yahay [inta dhunta] dhammaan.
  6. Waxayna leedahay toddoba irridood oo irrid kastana waxay leedahay qaddar loo qaybiyay [oo Ibliis iyo colkiisa ah].

 

Eebbe wuu dhumiyey Ibliis, isna wuxuu ku dhaartay inuu dhumiyo dadka dhammaan marka laga reebo addoomada Eebbe ee toosan, kuwaasna Ibliis jid kuma leh, waxayna mudan Ibliis iyo inta raacday Naarta Jahannamo oo toddobo irridood leh, irrid kastana loo darbay ciddii gali lahayd oo ah Ibliis iyo colkiisa (Eebbe hanaga koriyee) irridahaasna waxay u kala gali sida loo sii kala xun yahay. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Jahannama waxay leedahay toddoba irridood waxaana kamid ah irrid uu ka gali ruuxii u-siibta seefta ummadayda.” Waxaa wariyey Tirmidi. Cali binu Abii Daalib (Eebbe haka raalli noqdee) wuxuu yidhi, “Irridaha Jahannamo waa toddobo is-kor-saaran, waana la buuxin dhammaan.” Waa wax Eebbe laga magan-galo. Camal flican oo ah Eebbe-caabudid dhab ah, raacid Qur’aankiisa, adeecidda Rasuulkiisa iyo Xaq ku-socod yaana lagaga koraa. Al-Xijr (39-44)

 

  1. Kuwa Eebbe ka dhawrsadana waxay gali Jannooyin iyo ilo [durduri].
  2. Waxaana la dhahaa, “Ku gala nabad-galyo iyo aaminnimo.”
  3. Waxaana ka siibnaa waxa laabtooda ku jira oo xiqdi ah, waana walaalo sariira is-qaabilsan ku sugan.
  4. Kumana taabto Jannada dhexdeeda dhib xaggeedana lagama bixiyo.
  5. U warran addomadayda inaan anugu dambi-dhaafe naxariista ahay.
  6. Iyo in cadaabkaygu uu yahay cadaabka daran uun.
  7. Ugana warran dadka martidii [malaa‘ig] Nabi Ibraahiim.
  8. Markay usoo galeen kuna dhaheen “Salaan,” kuna yidhi, “Waanu idinka cabsan.”
  9. Ooy dhaheena, “Ha cabsan waxaanu kuugu bishaarayn wiil cilmi yeelane.”
  10. Wuxuuna ku yidhina, “Waxaad ii bishaaraynaysaan anoo odaynimo i taabatay, maxaad iigu bishaaraynaysaan?”
  11. Waxayna dhaheen, “Waxaanu kuugu bishaarayn Xaq ee ha noqonin mid quusta.”
  12. Wuxuuna yidhi, “Yaa ka quusta naxariista Eebbihiis kuwa baadida ah mooyee?”

 

Eebbe wuxuu raaciyay xaalka mu‘miniinta oo ah inay Janno aan xiqdi iyo xasad iyo xumaan iyo dhib lahayn ay gali iyagoo walaalo ah isasoo qaabilina, Eebbana waana danbi-dhaafe, waana ciqaabe, waana in danbi-dhaaf la warsado, cadaabkiisana laga digtoonaado. Aayadaha kalana waxay ka warrami sida meelo kale oo Qur’aanka ah lagu sheegay Nabi Ibraahiim iyo malaa‘igtii bishaarada u-waday iyo siduu uga yaabay iyo siday u xasiliyeen uguna bishaareeyeen markuu sheegtay inuu duq yahayna ay u-sheegeen inay dhab u-wadaan kana quusan naxariista Eebbe, wuxuuse u-sheegay in naxariista Eebbe ka quustaan kuwa dhumay, saas darteed waa in Eebbe la rumeeyo naxariistiisana la rajeeyo iyadoo la camal-fali. Al-Xijr (45-56)

 

  1. Wuxuu yidhi, “Xaalkiinnu muxuu yahay kuwan lasoo dirayow?”
  2. Waxayna dhaheen, “Waxaa naloo diray qawm danbiilayaal ah xaggood.”
  3. “Ehelka [Nabi] Luud mooyee oo waanu korin dhammaantood.”
  4. “Haweenaydiisa mooyee oo noqon kuwa ku hadhi [halaagga].”
  5. Markay u-yimaadeen ehelkii [Nabi] Luud kuwii lasoo diray.
  6. Wuxuu yidhi, “Idinku waxaad tihiin qawm aan la garanaynin.”
  7. Waxayna dheheen, “Saas ma aha ee waxaannu kuula nimid waxay shakisanaayeen [halaaggoodii].”
  8. “Waxaana kuula nimid xaq, runna waan sheegaynaa.”
  9. “Ee guuri ehelkaaga qayb habeenka kamid ah socona gadaashooda yayna soo milicsan ruux kamid ah [dib] kuna socda meesha laydin faray.”
  10. Waxaana u waxyoonnay amarkaas ah in cidhibta kuwaas la goyn subaxdii.

 

Nabi Ibraahiim wuxuu warsaday xaalkooda, waxayna u-sheegeen in loo soo diray inay halaagaan qawmka Nabi Luud ee danbiilayaasha ah ehelkiisa oon haweenaydiisu ku jirin mooyee oo iyada la halaagi, markay Nabi Luud u-yimaadeenna wuu garan waayay, waxayna u-sheegeen inay ula yimaadeen waxay shakisnaayeen oo ah halaaggooda, wuxuuna Eebbe faray inuu guuriyo ehelkiisa uuna daba socdo dibna cidi soo eegin una socdaan meeshii la faray, waxaana loo waxyooday Nabi Luud in xaalka kuwaas lagu dhammeeyay in la cidhib-goyn aroortii. Waxayna ku tusin wanaagga in la isu-bishaareeyo, inaan qaraabanimo dadka hanuunin karin inkastooy waajib tahay in qaraabada lagula dadaalo khayr iyo dadkaba dhammaan, in Eebbe ka aarsan danbiilayaasha, in amarka Eebbe fuli iyo in Ilaahay lagu xidhnaado Xaqana la raaco isaga un baa wax tariye. Al-Xijr (57-66)

 

  1. Waxaana yimid dadkii baladka oo bishaaraysan [aragga martida].
  2. Wuxuuna yidhi, “Kuwan waa martidaydii ee ha igu ceebaynina.”
  3. “Kana dhawrsada Eebbe hana i dullaynina.”
  4. Waxayna dhaheen, “Miyaanaan kaa reebin caalamka [inaad marti-galiso cidna].
  5. Wuxuuna yidhi, “Kuwaasi waa gabdhahaygii haddaad wax falaysaan [ood guursanaysaan].
  6. Cimrigaagee iyagu baadi bay ku wareersan yihiin.
  7. Waxaana qabatay qayladii qorrax-soo-baxa.
  8. Waxaana ka yeellay korkoodii hoostooda waxaana kusoo daadinnay korkooda dhagaxyo naar ah.
  9. Arrintaasna calaamooyin baa ugu sugan kuwa fiirfiiriya [fikira].
  10. Waxayna ku taal magaaladaas waddo toosan [oy maraan oo cad].
  11. Arrintaasna calaamad yaa ugu sugan kuwa Xaqa rumeeyay.

 

Dadkii magaalada waxay soo qaabileen martidii iyagoo dooni caadadoodii xumayd, wuxuuse warsaday Nabi Luud inayna ku ceebeynin kuna dullaynin martidiisa, hana guursadeen gabdhihiisa iyo kuwa magaalada, waxayse ku sugnaayeen wareer iyo baadi, halkii baana iagu halaagay aroortii oo la daba-gaddiyay dhagax naar ahna lagusoo daadiyay waana arrin lagu waano-qaato ciddii fikiri ama rumayn, wayna muuqataa meeshii lagu halaagay. Waxaana loo baahan yahay in la fikiro wanaaggana la raaco, xumaantana laga fogaado. Abii Saciid waxaa laga wariyay in Rasuulku (naxariis iyo nabad-galyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu yidhi, “Ka dhawrsada saadinta mu‘minka wuxuu wax ku arkaa Nuurka Eebbee.” Abii Xaakim. Waana faraasada. Al-Xijr (67-77)

 

  1. Waxayna ahaayeen qawmkii kaynta daalimiin [qawmkii Nabi Shucayb].
  2. Waana ka aarsannay, waxayna labaduba deggenaayeen waddo cad [oo la yaqaanno].
  3. Waxayna beeniyeen qawmkii Xijrina kuwii loosoo diray [Saalax].
  4. Waana siinnay aayaadkannagii waxayna ahaayeen kuwa xaggeeda ka jeedsada.
  5. Waxayna ahaayeen kuwo ka qota buuraha guryo aamin ah.
  6. Waxaana qabatay qaylo aroortii.
  7. Waxna uma tarin waxay kasbanayeen.
  8. Samooyinka iyo dhulka iyo waxa u-dhexeeyana waxaan Xaq ahayn umaanan abuurin Saacadduna way iman ee iska-saamax saamixid quruxsan.
  9. Eebbahaa baa ah abuuraha cilmiga lehe.

 

Qawmkii Nabi Shucayb iyana waxay ahaayeen daalimiin Xaqa beenisay, waxayna deggenaayeen iyaga iyo qawmkii Nabi Luudba jid la maro oo la yaqaan oy habboon tahay in lagu waano-qaato, sidoo kale qawmkii Nabi Saalax waxay beeniyeen Xaqii uu ula yimid iyo mucjizadii, kana jeedsadeen iyagoo ku noolaa meesha la yidhaah Xijr oo xagga Tabuuk ah iyagoo buuraha guryo ka samaysan jiray iyagoo aamin ah, waase la ciqaabay waxna uma tarin xoolohoodii waxaana ku dhacay masiibo. Rasuulkuna (naxariis iyo nabad-galyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi maruu maray guryahoodii, “Ha galina guryihii kuwii la caddibay idinkoo ooyi mooyee, haddaydaan ooyinna iska-ooyhisiiya cabsi inuu idinku dhaco wixii ku dhacay.” Waa xadiith saxiix ah. Tan kale Eebbe wuxuu u-abuuray cirka iyo dhulka iyo waxa u-dhexeeya xikmad, caddaalad iyo tusid qudrada Eebbe iyo ku waano-qaadasho, illeen Saacaddii Qiyaamaa imane, waana samir iyo dhaafid la isticmaalo waxaan diinta iyo dhib ahayn, Eebbana waa abuuraha wax walba og. Saas darteed waa in wanaagga lagu dadaalo xumaanta, macaasida, beeninta Xaqa iyo dhibka Islaamkana laga fogaado. Al-Xijr (78-86)

 

  1. Waxaan ku siinnay toddobo soo noqnoqota [Faataxada] iyo Qur’aanka wayn.
  2. Ee ha u-taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay qaybo kamid ah. Hana u-murugoon, una raarici [jilci] garabkaaga [macaamiladooda] mu‘miniinta.
  3. Waxaadna dhahdaa, “Anugu waxaan uun ahay u-dige cad.”
  4. Sidaan ugu soo dejinnay cadaab kuwii isu-dhaarsaday [dhibka Xaqa].
  5. Ee ka yeelay Qur’aanka qaybo.
  6. Eebbahaa baan ku dhaartaye waan warsanaynaa dhammaantood
  7. Waxay falayeen.
  8. Ee muuji waxa lagu fari iskagana jeedso mushrikiinta.
  9. Annagaa kaa kaafiyeyna kuwa jeesjeesa
  10. Ee la-yeela Eebbe miciisa ilaah kale, wayna ogaan doonaan [waxa ku dhaca].
  11. Waxaana ognahay laabtaadu inay ka cidhiidhyami waxay sheegi [oo xun].
  12. Ee ku tasbiixso mahadda Eebbahaa ahawna kuwa sujuuda.
  13. Caabudna Eebbahaa intay yaqiintu [geeridu] kaaga timaaddo.

 

Eebbe wuxuu siiyey Nabiga Faataxada iyo Qur’aanka wayn, wuxuuna faray inayna khaldin adduunyo, una murgin gaalada, si fiicanna kula noolaado mu‘miniinta illeen waa dige cade, ugana digo wixii ku dhacay kuwii Xaqa dhibkiisa isu-dhaarsaday oo kala qaybiyey Qur’aan, Eebbana wuxuu faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu Xaqa muujiyo oo la jahro qarisna dhammaado, illeen Eebbaa kaga filan kuwa jeesjeesee, wuuna kaga fillaaday oo ciqaabay, illeen Qur’aankay kala-qaybiyeene, oo ilaah kale yeesheene, wayna ogaan ciqaabta ku dhacda, iyo inayna laabtiisu la cidhiidhyamin Xaq-beeninta iyo xumaantay sheegi, iyo inuu daa‘imo oo badiyo tasbiixda, mahadda iyo cibaadada Eebbe inta yaqiintu oo geerida ah uga timaaddo, taasina waxay ku tusin in cibaadada Eebbe waajib tahay inta ruux nool yahay. Ibnu Kathiir wuxuu yidhi, “Waxayse sheegeen diinlaawayaashu oo ah in yaqiinta loola jeedo darajo aqooneed oo marka la gaadho cibaadadu ka dhici ruuxa waa gaalnimo, baadi iyo jaahilnimo, illeen Nabiyadii iyo asxaabahood baa Eebbe u yaqiinay uguna cilmi badnaa waxayna ahaayeen kuwa ugu cabsi iyo cibaado Eebbe badan daacadda way daa‘imeen intay geeridu uga timid.” Saas waxaa qaba Suufiyadii hore ee culimada ku gaalnimo xukumeen sida Xallaaj iyo kuwa maanta qaarkood sida Rabiiciyada ama Timaweynta saldhiggeedu yahay Nugaal. Xaqana waa saas, suuradduna waxay ku dhammaatay in Qur’aanku wayn yahay, in dadka loo digo, in Xaqa la muujiyo, in Eebbe Xaqa u-gargaari, in Eebbe kaliya la caabudo, in la adkaysto Eebbana la caabudo inta laga geeriyoodo. Al-Xijr (87-99)

 

Suurat an-Naxl

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaa yimid amarkii Eebbe [Qiyaamihii iyo ciqaab] ee ha dedejisanina, waxaa ka nazahan oo sarreeya Eebbe waxay la wadaajin.
  2. Wuxuu kusoo dejiyaa malaa‘igta waxyi oo amarkiisa kamid ah cidduu doono oo addoomadiisa kamid ah oo ah ugu diga inaan Ilaahay mooyee Eebbe kale jirin ee Ani uun iga dhawrsada.
  3. Wuxuu u-abuuray Eebbe samooyinka iyo dhulka xaq, wuuna ka sarreeya waxay la wadaajin.
  4. Wuxuu ka abuuray dadka dhibic markaasuu noqdaa dood-badane cad.
  5. Xoolahana wuu idiin abuuray dhexdoodana waxaa ah duggaal iyo nafci xaggeedaadna ka cuntaan.
  6. Qurux baana idiinku sugan dhexdooda markaad dheelmaysaan iyo markaad foofinaysaan.
  7. Waxaadna ugu rarataan culaysyo xagga magaalo oydaan gaadhayn naf dhibkeed mooyee Eebbihiinna waa u-ture naxariista.

 

Qiyaamada iyo maalinta Aakhiro waa xaq imaan, saas darteed yuu Eebbe uga cabbiray wax dhacay illeen waa hubaale, markay Muslimiintii aad u cabsadeenna waxaa soo degay inayna dedejisanin, Eebbana la wadaajis cibaado waa ka nazahan yahay kana sarreeyaa, waxyigana wuxuu malaa‘igta ugu soo dhiibaa cidduu doono oo Nabiyada kamid ah, si ay ugu digaan inaan Ilaahay mooyee Eebbe kale jirin, kana dhawrsadaan, cirka iyo dhulkana wuxuu u-abuuray xaq, xumaanna wuu ka sarreeyaa, dadka wuxuu ka abuuray dhibic markaasay murmaan oo isla-waynaadaan, xoolaha Eebbaa dadka u-abuuray isagoo duggaal iyo nafci iyo cunno ugu sugan yahay, iyo qurux markay dheelman iyo markay foofi, kuna rartaan culays ay la aadaan meel ayna gaadheen dhib mooyee, taasina waa naxariista Eebbe, saas darteed waa in Eebbe si dhab ah loo caabudo, laguna mahdiyo nicmooyinkiisa, lagana digtoonaado kibirka isla-waynida, muran xaq-darro iyo madax-adayg ah. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu candhuuf ku tufay gacantiisa wuxuuna yidhi, “Eebbe wuxuu dhahaa, ‘Bani-Aadamow sideed ii daalin anoo kaa abuuray waxanoo kale, markaad ekaatay ood waynaatay ood ku socotay dharkaaga iyo dhulka, ood kulmisay xoolo reebtayna, markay naftu dhuunta gaadhana aad dhahdid “Haddaan sadaqaysan,” ma haddaa waqti sadaqa ah?’” Waxaa wariyey Imaam Axmed iyo Ibnu Maajah. An-Naxl (1-7)

 

  1. Fardaha iyo baqlaha iyo dameeraha wuxuu [idiinku abuuray Eebbe] inaad kortaan iyo qurux, wuxuuna abuuri waxaydaan ogayn.
  2. Xagga Eebbaana Jid Toosan yahay [hanuun], mid leexsanna waa jiraa [xumaanta] hadduu doonana wuu idin hanuunin lahaa dhammaan.
  3. Eebbe waa kan idinka soo dejiyay samada biyo xaggiisaa laga cabbaa xaggiisaana geeduhu ka ahaadaan aad daajisaan [xoolaha].
  4. Wuxuuna idiinku soo bixiyaa beero zaytuun, timir, cinab iyo wax kastoo midha ah, arrintaasna calaamad baa ugu sugan ciddii fikiri.
  5. Wuxuuna idiin sakhiray habeenka, maalinta, qorraxda, dayaxa, xiddigahana waxaa lagu sakhiray amarkiisa, arrintaasna calaamooyin yaa ugu sugan ciddii wax kasi.
  6. Iyo wuxuu idiinku abuuray dhulka oo kala duwan yahay midabkeedu, arriintaasna calaamad yaa ugu sugan ciddii wax xasuusan [fikiri].

 

Eebbe wuxuu ku mannaysan nicmooyin badan oon la koobi karin halkanna waxaa lagu sheegay fardaha, baqlaha iyo dameeraha oo Eebbe u-abuuray in lagu intifaaco iyo in lagu xarragoodo, wuxuuna Eebbe sheegay inuu abuuri waxayna ogayn, taasina waa mucjizada Qur’aanka oo Eebbe had iyo jeer wuxuu ahaysiiyaa waxaan jiri jirin, xagga Eebbaana Jid Toosan oo xaq ah yahay, kuwa ka leexday Eebbana waa jiraan, hadduu doonana wuu hanuunin lahaa dhammaan, waxaa kale oo nicmooyinka Eebbe kamid ah roobka wax laga cabbo, lana daaqsado dooggiisa, kuna soo bixiyo beero kala duwan iyo midho nooc kasta leh, waana arrin ciddii fikiri ay ku waano-qaadato, waxaa kale oo kamid ah nimcooyinka Eebbe ee u-baahan in laga faa‘iidaysto habeenka, maalinta, qorraxda, dayaxa iyo xiddigaha, oo lagu sakhiray amarka Eebbe iyo nicmooyinka kale ee kala duwan ee Eebbe ku abuuray dhulka dadka dartiis, waana wax ay ku waano-qaataan kuwa caqliga leh ee xusuusta, wanaagna falaan xumaanna ka tagaan, Eebbana si dhab ah u-mahadiyaan una caabudaan. An-Naxl (8-13)

 

  1. Eebbe waa kan idiin sakhiray badda inaad ka cuntaan hilib cusub kalana baxdaan qurux [macdan] ood xidhataan, waxaadna aragtaan doonida [markabka] oo dillaacin [dabbaalan] dhexdeeda iyo inaad doontaan fadliga Eebbe iyo inaad ku shukridaan.
  2. Wuxuuna ku riday [sugay] dhulka buuro inayna idinla iilan [wuxuuna yeelay] wabiyo iyo waddooyin inaad ku toostaan.
  3. Iyo calaamado iyo xiddigo ay dadku ku toosaan.
  4. Cid wax abuuri ma lamid baa mid aan wax abuurayn miyaydaan wax xasuusanayn.
  5. Haddaad tirisaan nicmada Eebbe ma koobi kartaan, Eebbana waa danbi-dhaafe naxariista.

 

Nicmooyinka Eebbe ugu nicmeeyey dadka waxaa kamid ah badda hirka wayn ee haddana Eebbe u-sakhiray dadka inay hilib cusub ka cunaan kalana soo baxaan jawhar iyo macaadin kala duwan oo xarrago iyo wax-tar leh. Maraakiibtu iyo doonyuhuna dhex-mushaaxi si dadku u doonaan fadliga Eebbe iyo rizqigiisa kuna mahdiyaan, waana wax Eebbe lagu mahdiyo in markab culays weyn ey biyuhu xambaaraan, waxaa kale oo nicmooyinka kamid ah dhulka Eebbe noo goglay buurana ku sugay inayan iilan, wabiyaal iyo waddooyin lagu tooso oo laga socdaalana yeelay, calaamooyinna yeelay iyo xiddigo lagu tooso. Markuu Eebbe xusay wax badan oo nicmooyinka ah yuu ku baraarujiyey awooddiisa oo in isaga uun la caabudo ay waajib tahay illeen isagaa wax abuura, waxa kasoo hadhayna wax ma abuuraan, waana inay saas ogaato ciddii wax xusuusan, nicmada Eebbe haddii la tiriyana lama koobi karo waxaase loo baahan yahay Eebbe ku mahdin iyo aqoonsi. Saciid iyo Xasan al-Basri waxay dheheen markuu Eebbe abuuray dhulka yuu gilgishay, markaasay malaa‘igtii tidhi meel lagu sugnaan ma aha markaasaa waagu baryey iyadoo buur leh. An-Naxl (14-18)

 

  1. Eebbe waa ogyahay waxaad qarsanaysaan iyo waxaad muujinaysaan.
  2. Waxay caabudayaan oo Eebbe kasoo hadhayna ma abuuraan waxba iyagaase la abuuraa.
  3. Waana mayd aan noolayn mana oga waqtiga lasoo bixin [dadka].
  4. Ilaahiinnu waa Ilaah kaliya, kuwa aan rumeynin Aakhirana quluubtoodu way diidi [kalinnimada Eebbe], wayna is-kibrin.
  5. Waxaa sugan in Eebbe ogyahay waxay qarsan iyo waxay muujin Eebbana ma jecla kuwa is-kibriya.
  6. Marka lagu dhoho, “Muxuu soo dejiyey Eebbihiin?” waxay dhahaan, “Waa warkii kuwii hore.”
  7. Inay xambaaraan culayskooda [dambigooda] oo dhan maalinta Qiyaame, iyo culayska [dambiga] kuway dhumiyeen cilmi-la‘aan waxaana xun waxay xambaaranayaan.

 

Eebbe waxba kama qarsoona ama hala qarsado ama hala muujiyee, wax kasoo hadhay oo nooc cibaado mutana ma jiro ama hala caabudo, hala baryo, kaalmo hala warsado, xukunkiisa hala raaco, illeen Eebbaa wax abuura waxa kasoo hadhayna wax ma abuuraane, waana mayd aan noolayn ogayna marka Qiyaamadu kici, Ilaahayna waa kali, gaalase Ilaah kali ah ma rabto ee waxay rabaan in waxyaalo kale lala caabudo, maxay isla-kibrin mar hadduu Eebbe wax walba ogyahay, kuwa is-kibriyana uusan jeclayn, oo marka Qur’aanka la warsado dhaha, “Waa warkii kuwii hore,” si ay u-xambaaraan dambigoodii oo dhan iyo kii dadkay cilmi-la‘aan dhumiyeen, wax la xambaarana dambi baa u xun. Xadiithna waxaa ku sugnaaday, in ciddii hanuun u-yeedhana heli ajirkeeda iyo ajirka inta raacda iyagoon laga nusqaamin ajir, tii baadi u-yeedhana waxay xambaari dambigeeda iyo dambiga inta raacday iyadoon iyana laga nusqaaminayn. Taasina waxay ka digi inaan dadka xumaanna la farin laguna raacin ee samo la faro laguna raaco. An-Naxl (19-25)

 

  1. Waxaa wax dhagray kuwii ka horreeyey markuu Eebbe [amarkiisii] uga yimid xagga asaaska [tiirarka] waxaana kaga dumay saanqaafkii korkooda wuxuuna uga yimid cadaab meelayan ogayn.
  2. Kadibna maalinta Qiyaame wuu dullayn wuxuuna dhihi, “Aaway shurakadaydii aad ku doodayseen dhexdeeda?” kuwiina waxay dheheen cilmiga la siiyey [culimadii] “Dulli iyo xumaan maanta wuxuu saran yahay gaalada.”
  3. Ee ah kuway oofsan malaa’igtu iyagoo dulmiyey naftooda, waxayna muujiyaan hoggaansi iyagoo dhihi, “Maanaan ahayn kuwo xumaan fala,” saas ma aha ee Eebbe waa ogyahay waxaad falayseen.
  4. Ee ka gala irridaha Jahannamo idinkoo ku waari dhexdeeda waxaana xumaan badan hoyga kuwa is-kibriya.

 

Eebbe wuxuu ka warramay inay kuwo hore oo gaalo ahaa dhagar faleen markaas Eebbe ku dumiyey guryihii, ciqaabna uga timid meelayna ka filayn, Qiyaamadana ay la kulmi dulli iyo khasaare, waxna u-tarayn waxay caabudayeen, oy ku qirina dadka culimada ah inuu dulli iyo xumaani haleeli gaalada, oy malaa‘igtu nafta ka qaadi iyagoo dulmiyey naftooda isna-dhiibay inkirayna inay horay xumaan u-faleen Eebbase waa ogyahay waxay faleen waxaana lagu abaal-marin Naar ay ku waaraan oo ah hoyga u xun ee loo darbay kuwa is-kibriya, taasina waxay muujin in dhagartu ku noqon saaxiibkeed, in dulli u-dambayn kuwa dhagra Muslimiinta, inaan waxaan Eebbe ahayn wax-tarayn, sharafta cilmiga lagu camal falo, in dulli u-dambayn kuwa Xaqa iska-kibriya, in daalimiintu is-dhiibi Aakhiro, inayan waxba u-tarayn xumaan diiddo maalinta Qiyaame, saas darteed waa in laga faa‘iidaysto waqtiga Eebbana la caabudo. An-Naxl (26-29)

 

  1. Waxaa lagu dhahaa kuwa dhawrsaday, “Muxuu soo dejiyay Eebbihiin?” waxayna dhahaan “Khayr.” Kuwa sama-falay adduunyadana waxay mudan wanaag daarta Aakhiraana u khayr-roon waxaana wanaag badan daarta muttaqiinta [kuwa dhawrsaday].
  2. Waa Jannada Cadni oy gali oy soconna dhexdeeda wabiyaashii waxayna ka heli waxay doonaan, saasuuna Eebbe ku abaal-mariyaa kuwa dhawrsada.
  3. Ee ah kuway oofsato malaa‘igtu iyagoo fiican [kuna dhihi] “Nabad-galyo korkiinna ha ahaato ee ku gala Jannada waxaad camal fali jirteen dartiis.”
  4. Gaaladuse miyay sugi inay u-timaaddo malaa’igtu mooyee ama u-yimaado amarka Eebbahaa? Saasayna faleen kuwii ka horreeyay, mana dulmiyin Eebbe iyagaase dulmiyay naftooda.
  5. Waxaana ku dhacay xumaantii waxay faleen, waxaana ku dagay [ciqaabtii] waxay ku jeesjeesi jireen.

 

Aayadaha hore waxay ka warrami xaalka kuwa Eebbe rumeeyey ee xumaanta ka dhawrsaday oo ah inay wanaag mudan adduun iyo Aakhiroba, oy galina Janno ay ku waari, kana heli waxay doonaan, saasaana Eebbe ku abaal-mariyaa kuwa xumaanta ka dhawrsada oo malaa‘igtu nafta ka qibloon iyagoo wanaagsan oy salaami uguna bishaarayn Janno camalkoodi flicnaa dartiis. Gaalase waxay sugtaa waa halaag iyo Eebboo amra ciqaabtooda, waana ciqaabtii haleeshay kuwii hore, ee naftooda dulmiyay illeen Eebbe wax ma dulmiyee, kuna dhacay oo koobay ciqaabtii camalkoodii xumaa ee Xaq-ku-jeesjees ahaa, ciddii Xaqa yasta oo iska-kibrisa isagoon waxba ahayn ee miskiin tabar-yar ah waxse is-mooda ha u-adkaysto dulliga iyo ciqaabta haleeli hana ka kabbado khadhaadhka midhaha beertiisa ku miirmay. An-Naxl (30-34)

 

  1. Waxay dhahaan kuwii Eebbe la wadaajiyay [cibaadada] “Hadduu doono Eebbe maanaan caabudneen cid kasoo hadhay waxba annaga iyo aabbayaalkanno mana xarrimneen isaga ka-sokow waxba,” saasayna faleen kuwii ka horreeyay, ee Rasuullada ma saaran yahay waxaan gaadhsiin cad ahayn?
  2. Waxaan ka bixinnay ummad kasta Rasuul inay caabudaan Eebbe kana dheeraadaan daaquutka [cibaadada Eebbe ka-sokow], waxaana kamid ah dadka cid Eebbe hanuuniyay, waxaana kamid ah ciday ku sugnaatay baadinimo, ee socda dhulka oo eega siday noqotay cidhibtii beeniyayaasha.
  3. Haddaad ku dadaashid hanuunkooda Eebbe ma hanuuniyo cidduu dhumiyay mana helaan gargaare.

 

Gaalada iyo dad badan oo jaahiliin ah way khaldamaan oo u-xujaystaan dhumiddooda qaddarka Eebbe iyagoo sheegan inuu hadduusan Eebbe doonin ayna iyaga iyo aabbayaalkood xarrimeen wax bannaan, caabudeenna wax Eebbe kasoo hadhay, waana waxay fali jireen kuwii horana, Rasuulladana waxaan gaadhsiin ahayn ma saarra, waa jirtaa in Eebbe maamulo adduunka laakiin cid walba wuxuu siiyey caqli oy ku kala doorato xumaanta iyo samaanta, Rasuullana wuu usoo diray Kutubna wuu usoo dejiyey cudur-daarna ma jiro, waana Eebbe kaliya in la caabudo lagana fogaado cibaadada baadilka Eebbe kasoo hadhay waxay dooni ha ahaatee, ciddii doontana Eebbe wuu sii hanuuniyaa, tii Xaqa diidda inta loogu yeedhana way sii dhuntaa, cid Eebbe mooyee wax hanuuninna ma jirto. Saas darteed mar hadduu Eebbe Xaqii caddeeyey, jidkiina muuqdo, cid kastana Rasuul loo diray way dhammaatay lug geed ku mar iyo kanay tahay iyo wax la caabudo oo Eebbe kasoo hadhay ee waa in uun Xaqa la raaco loona hoggaansamo Eebbe. An-Naxl (35-37)

 

  1. Waxay ugu dhaarteen Eebbe dhaar adag inuusan soo bixinayn Eebbe cid dhimatay, saas ma aha ee waa yabooh Eebbe isa-saaray [sugan] dadka badidiise ma oga.
  2. Inuu u-caddeeyo waxay isku-diiddan yihiin iyo inay ogaadaan kuwii gaaloobay inay ahaayeen beenaalayaal.
  3. Haddaan doonno arrinna waa inaan uun ku dhahno ahow oy ahaato.
  4. Kuwii u-haajiray dar Eebbe intii la dulmiyey kadib waxaan dejinaynaa adduunka wanaag, ajirka Aakhiraana ka wayn hadday wax ogyihiin.
  5. Waana kuwa samray [adkaystay] Eebbahoodna uun tala-saarta.

 

Gaaladii waxay dhaar adag ku dhaarteen inaan Eebbe soo bixinayn cid dhimatay wuuse soo bixin siduu yaboohay, mase oga dadka badankiisa jaahiliinta ah, illeen wax walba waqti iyo mudduu leeyahaye, inuu u-caddayn waxay isku-diiddanaayeen ogaadaanna kuwii gaaloobay inay beenaalayaal ahaayeen oo waxay adduunka ku hayeen gaaladu iyo Xaq-diidayaashu been la dhoodhoobay ahayd, dhabta iyo runtuna tahay waxa Eebbe yaboohay Rasuulladuna rumeeyeen, Eebbana wuxuu damco wuxuu dhahaa ahaw wuuna ahaadaa wax ku culusna ma jiro. Kuwa dar Eebbe u-hijrooday wuxuu Eebbe u ballan-qaaday inuu wanaag siiyo adduun iyo Aakhiraba, iyadoo abaal-marinta Aakhiro iyo ajrigeedu ka wayn yahay kan adduun, waxaana muta kuwa samray oo u-adkaysta dhibka Eebbahoodna tala-saarta. Wuxuuna ahaa Cumar binu Khaddaab markuu muhaajiriinta wax siin kii yiraahda, “Qaado Eebbe hakuu barakeeyee, kani waa wuxuu Eebbe kuu yaboohay adduunkee, wuxuu kuu kaydiyay Aakhiraana ka fiicane,” markaasuu akhriyay aayaddan. Taasina waxay ku tusin wanaagga iyo fadliga hijrada dar Eebbe iyo in Eebbe wanaag ku abaal-marin. An-Naxl (38-42)

 

  1. Waxaan dirray hortaa rag aan u-waxyoonnay, ee warsada kuwa cilmiga leh haddaydaan wax ogayn.
  2. [Waxaana la dirray] xujooyin iyo Kutub waxaana kugu soo dejinnay Qur’aanka inaad u-caddayso dadka waxa loo soo dejiyey, inay fikiraan.
  3. Ma aamin bay ka noqdeen kuwii dhagarta falay in Eebbe la gooyo dhulka, ama uga yimaado cadaab meelayna filayn?
  4. Ama ku qabto Eebbe gadgaddoonkooda? Mana aha kuwa Eebbe daaliya.
  5. Ama ku qabto nusqaamin [iyo cabsi] iyagoo ku sugan, Eebbihiinna waa u-ture naxariista.

 

Gaaladu waxay wax badan inkireen in Rasuul dad ah la diro, saas darteed yaa Eebbe ku raddiyey aayado badan, haddayna wax aqoonna oo ogaynna waa inay warsadaan dadka cilmiga leh, Eebbana wuxuu soo dejiyey xujooyin iyo Kutub, Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) Eebbe wuxuu kusoo dejiyey Qur’aanka si uu ugu caddeeyo dadka waxa lagu soo dejiyey iyo inay fikiraan, aaminna kama aha gaaladu in Eebbe dhulka la gooyo ama cadaab uga yimaado meelayna ogayn, ama Eebbe qabto iyagoo gadgaddoomi mana daaliyaan Eebbe, ama Eebbe ku qabto cabsi iyo nusqaan, Eebbana waa u-ture naxariista, siduu Rasuulku yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) “Eebbe wax kaga samir badan dhib uu maqlay ma jiro, waxay ku sheegi ilmo isna wuu arzaaqi oo caafin.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Ruuxii caqli lehse waa inuusan ku kadsoomin ee Eebbe ka dhawrsadaa dhabna u caabudaa. An-Naxl (43-47)

 

  1. Miyeyna arkayn wuxuu Eebbe abuuray oo u-iilan hooskiisu midig iyo bidix sujuud Eebbe dartiis iyagoo u khushuucsan?
  2. Eebbe waxaa u-sujuuda waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan oo dhul-socod ah iyo malaa‘ig iskamana wayneeyaan [sujuuddiisa].
  3. Waxayna ka cabsan Eebbahooda Sarreeya waxayna falaan wax la faro.
  4. Wuxuuna yidhi Eebbe, “Ha yeelanina ilaahyo labo ah Eebbe waa uun Ilaah kaliya ee Aniga uun iga cabsada.”
  5. Eebbe waxaa u-sugnaaday waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, waxaana u-sugnaaday Diin [cibaado] joogta ah, ee ma Eebbe cid aan ahayn yaad ka dhawrsanaysaan?
  6. Waxa nicma ah ood haysataan waxay ka timid Eebbe, markuu idin taabsiiyo dhibna xaggiisaad u qayliyeysaan.
  7. Markuu idinka faydo dhibkana koox idin kamid ah yaa Eebbahood la wadaajisa [cibaadada].
  8. Inay ka gaaloobaan waxaan siinnay, raaxaysta waad ogaan doontaan [cidhibta xaalkiinnee].

 

Ibnu Kathiir wuxuu yidhi, “Eebbe wuxuu ka warrami waynidiisa oo wax kasta u-khushuuco dhammaan, wax nool iyo wax kalaba iyo insi, jinni iyo malaa‘igba, oo xataa hoosku Eebbe u-sujuudo, malaa‘igtuna fulin amarka Eebbe, kana cabsan, iyo inaan Ilaahay mooyee Eebbe kale jirin, isaga kaliyana muto cibaado, illeen isagaa wax walbaba lehe, cibaado joogta ahna mudane. Tan kale wixii nicma ah oo la haysto xagga Eebbay ka timid, Eebbaana dhibka fayda oyna xaq tahay in kaligiis la caabudo, gaalase way diidday ee haku raaxaysteen waxa Eebbe siiyey way ogaan waxa ku dhaca. Mahad Eebbaa mudan, waynaynna isagaa xaq u leh, isagaana lagu hoos-jiraa Aakhiro iyo adduunba, amarkiisuna fuli. An-Naxl (48-55)

 

  1. Waxay u-yeelaan waxayna ogayn qayb waxaan ku arzaaqnay kamid ah, dhaar Eebbee waa laydin warsan [gaaloy] waxaad been-abuuranaysaan.
  2. Waxayna u-yeelaan Eebbe gabdho, waa ka-nazahan yahay, iyaguna waxay yeelan waxay rabaan.
  3. Marka loogu bishaareeyo midkood dhaddig wuxuu noqdaa wajigiisu madow walbahaarina.
  4. Wuxuuna iska-qariyaa dadka xumida waxa loogu bishaareeyey, miyuu ku haystaa dulli mise wuxuu dhumbiyaa dhulka? Waxaa xun waxay xukumi.
  5. Kuwaan rumayn Aakhiro waxaa u-sugnaaday tusaale xun, Eebbana waxaa u-sugnaaday sifada sare, waana adkaade falsan.

 

Waxaa kamid ah caadada xun ee gaalada inay xoolahooda kala qaybiyaan oo qaarna Eebbe ku sheegaan qaarna shurakadooda, waase la warsan been-abuurashadooda, sidoo kale waxay Eebbe ku sheegaan gabdho iyaguna waxay doonaan oo wiilal ah, Eebbase waa ka-nazahan yahay waxay sheegi, iyadoo marka mid kamid ah loogu bishaareeyo gabadh uu wajigiisu doorsoomo walbahaarana, kana qarsoomo oo ka dhawrsado dadka isagoo ka xun waxa loogu bishaareeyey, kuna fikiri ma dulli buu ku hayaa mise wuu dilaa oo dhulka ku xabaalaa, waxayna xukumayaan wax xun, dhabtuna waa in kuwaan Aakhirana rumayn tusaale xun u-sugnaaday, Eebbana sarrayn, wanaag iyo wayni u-sugnaatay, yahayna mid awood iyo falsami ku sifoobay. Aayaduhuna waxay sugi in cibaadada khalqiga iyo xukunka dhammaan Eebbe iska leeyahay, uuna u-baahnayn ilmo iyo kaalmo, inay jaahiliyo tahay gabdho la silciyo ama la gacan-bidixeeyo, in wanaagga oo dhanna Eebbe ku dhammaado, xumaan, dulli iyo liidmana gaalo ku dhammaado, ee dhab haloo caabudo Eebbahaas. An-Naxl (56-60)

 

  1. Hadduu Eebbe u-qaban dadka dulmigooda kagama tageen korka dhulka wax socda, wuxuuse dib ugu dhigi muddo magacaaban, markay ajashoodu timaaddana kama dib-maraan saacad kamana hor-maraan.
  2. Waxayna u-yeelaan Eebbe waxay nacayaan, waxayna tilmaami carrabyadoodu been inuu wanaag u-sugnaaday, waxaa sugan in Naar uun u-sugnaatay, oo loo hor-marin [luguna dhaafi].
  3. Dhaar Eebbee waxaan [Rasuullo] u dirray ummado kaa horreeyey wuxuuna u-qurxiyey Shaydaan camalkooda isagaana sokeeye u ah maanta, waxayna mudan cadaab daran.
  4. Qur’aankana waxaan uun kuugu soo dejinnay inaad u-caddaysid dadka waxay isku-khilaafsan yihiin iyo hanuunka iyo naxariista ciddii rumayn.
  5. Eebbana waa kan kasoo dejiya samada biyo, kuna nooleeya dhulka abaar kadib, arrintaasna calaamad yaa ugu sugan ciddii wax maqli.

 

Aayadahan waxay ka warrami dusha Eebbe iyo hadduu dadka u-qaban dulmigooda aan dhulka ciduna ku noolaateen, wuxuuse dib ugu dhigaa muddo magacaaban markay timaaddana saacad dib loogama dhaco lagamana hor-maro, gaaladuna Eebbe wax xun yey ku sheegeen, beenna waxay ku sheegi in wanaaggu iyaga u-sugnaaday, waxaase dhab ah in Naaru u-sugnaatay loona hor-marin, waana jirtaa in Eebbe u-diray Rasuullo ummadahooda, Shaydaanna u-qurxiyey camalkooda, isagaana Qiyaamada sokeeye u ah, cadaab daranna way mudan, Qur’aankana wuxuu Eebbe ugusoo dejiyey Nabiga inuu dadka u-caddeeyo waxay isku-diiddan yihiin iyo isgaoo hanuun iyo naxariis u ah ciddii Xaq rumayn, uguna deeqay dadka roob iyo khayr ku nooleeya dhulka abaar kadib waana waxay ku waano-qaadato ciddii wax maqli, saas darteed dusha Eebbe iyo naxariistiisa yaan lagu kadsoomin wuu ciqaab iyo qabasho daran yahaye. An-Naxl (61-65)

 

  1. Waxaana idiinku sugan xoolaha cibrad [waano-qaadasho] waxaana idinka waraabinnaa waxa ku sugan caloosheeda digo iyo dhiig dhexdooda ah caano saafi ah oo u-fudud kuwa cabbi.
  2. Iyo midhaha timirta iyo cinabka ood ka yeelataan cabbid iyo rizqi fiican, arrintaasna calaamad baa ugu sugan ciddii wax kasi.
  3. Wuxuu u-waxyooday [ku ilhaameeyey] Eebbahaa shinnida, “Ka yeelo buuraha guryo iyo geedaha iyo waxay dhistaan.”
  4. “Markaas cun midho kasta xaggooda qaadna jidadka Eebbahaa oo laylyan,” waxaana kasoo baxa calooshooda cabbid kala-duwan tahay midabkoodu dhexdiisana waxaa ah daawo dadka, arrintaasna calaamaa ugu sugan ciddii fikiri.
  5. Eebbaa idin abuuray markaas idin oofsan [dili] waxaana idin kamid ah cid loo celin [la gaadhsiin] cimriga ugu liita inuusan ogaan waxba cilmi [ogaansho] dabadiis, Eebbana wax walba waa ogyahay karaana.

 

Xoolaha nicmoolayda ah waxaa ku sugan calaamad ku tusin qudradda Eebbe, sida Eebbe inooga siiyo caano saafi ah oo kasoo dhex-baxay uus iyo dhiig, macaanna oo cunaha cabbaha u-sahlan, iyo ciddii dhami, sidoo kale wuxuu ina siiyey oo midho timireed iyo canab aan ka yeelanno cunno fiican oo tusin ciddii caqli leh awoodda Eebbe iyo naxariistiisa, sidoo kale wuxuu ku ilhaameeyey shinnida oo ah duulaa yar inay guri ka yeelato buuraha, geedaha iyo dhista, oyna cunto midho kala duwan, qaaddana meelo iyo jidad Eebbe u-sahlay, kana soo baxo caloosheeda cabbid midabkeedu kala-duwan yahay, daawana dadka ugu sugan tahay, taasina waa calaamad ku tusin awoodda Eebbe ciddii fikiri, saasaadna u-aragtaa sida Eebbe dadka ugu nicmeeyey xoolo ay caano ka dhammaan, midho ay wax ka cunaan, shinni malab u-samaysa, waana xayawaankaas tabarta yar, yaa macaaneeyey dhacaankeeda? Eebbe kaliya. Waxaana sugnaatay in nin u-yimid Nabiga una sheegay in walaalkiis shubmi, kuna yidhi, “Malab waraabi,” kuna soo noqnoqday dhawr jeer isagoo sheegi inuu wali shubmi. Markaa Nabigu ku yidhi, “Waraabi malab Eebbaa run sheegi, caloosha walaalkaana waa beenaleeye,” markaasuu waraabiyey kadibna bogsaday. Taasina waxay ku tusin in Eebbe u-sakhiray dadka in wax badan u-adeegaan una shaqeeyaan si Eebbe loogu mahdiyo. An-Naxl (66-69)

 

  1. Eebbe wuu ka fadilay qaarkiin qaar rizqiga, mana aha kuwa la fadilay kuwii ku celiya rizqigooda waxay gacantoodu hanato oy isku-mid ku noqdaan ee ma nicmada Eebbaad diidaysaan?
  2. Eebbe wuxuu idinka yeelay naftiinna azwaaj wuxuuna idinka yeelay haweenkiinna carruur iyo farac idinkuna arzaaqay wanaag, ma baadil bay rumayn oy nicmada Eebbey ka gaaloobi?
  3. Waxayna caabudayaan Eebbe ka-sokow waxaan uga hananayn rizqi samooyinka iyo dhulka waxba, waxna karin.
  4. Ee haw yeelina Eebbe wax lamid ah, Eebbe wuu ogyahay idinkuse ma ogidine.

 

Eebbaa wax abuura dilana, dadna cimri siiya intay ka gaadhaan gabow daran oyna waxba kala kasin, oo ah da‘duu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) Eebbe ka magan-galay kuna yidhi, “Eebbow waxaan kaa magan-gali bakhaylnimo, wahsi duqnimo, iyo in la ii celiyo cimriga u xun iyo cadaabka qabriga iyo fitnada Dajjaal iyo fitnada nolosha iyo tan geerida.” Waxaa wariyay Bukhaari. Tan kale waxay muujin doqonnimada gaalada oo ah inay Eebbe addoomadiisa shariik uga yeelaan, mana eka, sidayna iyaga iyo waxay hantaan u-sinnayn, taasina waa nicmo Eebbe diid, tan kale in Eebbe isu-abuuray rag iyo haween markay is-guursadaanna kala siiya carruur iyo farac dadkana ku arzaaqa wanaag. Ma waxayse rumayn baadil iyo xumaan oy ka gaaloobi nicmada Eebbe, oy caabudi Eebbe ka-sokow waxaan rizqi ugu hananayn cirka iyo dhulka, waxna karin? Xaqna ma aha in Eebbe loo yeelo tusaale xun oo lagu shabbaho wax, oo lala simo, illeen wax buu ogyahay, dadkuna wax ma ogee, Eebbaa Xaq ah, awood leh, xukun leh, caddaalad leh, wax nooleeya waxna dila xaggiisana loo ahaan. An-Naxl (70-74)

 

  1. Eebbe wuxuu ka yeelay tusaale addoon la leeyahay oon waxba karin iyo ruux aannu ku arzaaqnay rizqi fiican oo u-bixin qarsoodi iyo muuqaalba, ma isku-mid baa? Mahad Eebbaa iska leh, badankooduse wax ma oga.
  2. Waxaa [kale] oo Eebbe tusaale ka yeelay laba nin oo midkood af-la‘ yahay [ma-hadle] waxna karin dhibna ku ah [culays] ilaaliyihiisa meel kastoos u-jeediyana aan wanaag ka imanaynin, ma egyihiin isaga iyo ruux fari caddaalada Jid Toosanna ku sugan?
  3. Eebbaa iska leh waxa ku maqan samooyinka iyo dhulka, saacadda amarkeeduna ma aha il-bidhiqsigeed mooyee ama ka dhaw, Eebbana wax kasta wuu karaa.
  4. Eebbe wuxuu idin kasoo bixiyay caloosha hooyooyinkiin waxba idinkoon ogayn wuxuuna idiin yeelay maqal iyo arag iyo quluub inaad ku shukridaan Eebbe.
  5. Miyayna arkayn shinbiraha loo sakhiray hawada samada, waxaana Eebbe ahayna haynin? Taasina calaamooyin yaa ugu sugan ciddii rumayn [Xaqa].

 

Waa tusaalayaaal Eebbe u-yeelay Muslimka iyo gaalka, oo ah inayna sinnayn cid tasarrufi oo wax bixin iyo midaan waxba karin, iyo midaan hadlayn culaysna ku ah dadkuu la nool yahay wanaagna laga sugayn iyo mid wanaagga fari oo Jidka Toosan ku socda, tan kale Eebbaa iska leh waxa ku qarsoon cirka iyo dhulka, dhicidda Qiyaamana waa uun il-bidhiqsi ama ka dhaw, illeen Eebbaa wax kasta karee waana kan dadka kasoo saaray uurka hooyo iyagoo jaahiliin ah oon wax aqoon una yeelay maqal, arag iyo caqli si ay Eebbe ugu aqoonsadaan uguna mahadiyaan. Tan kale waxaa kamid ah awooddiisa shinbiraha ku duuli hawada cirka waxaan Eebbe ahayn haynin, waxaasoo dhanna waxay dadka ku waajibin Eebbe-aqoonsi iyo cibaadadiisa dhabta ah. An-Naxl (75-79)

 

  1. Eebbe wuxuu idinka yeelay guryihiinna xasil [degaan] wuxuuna idinka yeelay hargaha xoolaha guryo idiin fudud maalinta geeddiga iyo maalinta nagaadigaba, idinkana yeelay suufkeeda iyo dhogorta [geela] iyo dhogorta [riyaha] alaab iyo maacuun tan iyo muddo.
  2. Eebbe wuxuu idiinka yeelay wuxuu abuuray [geedaha] hadh, wuxuuna idiinka yeelay buuraha dugaal, idiinkana yeelay dhar idinka dhawra kulaylka iyo qamiis-bireed idinka dhawrta [dhibka] dagaalka, saasuuna idiinku taam-yeeli Eebbe nicmadiisa inaad Islaam noqotaan [Xaqa raacdaan].
  3. Hadday jeedsadaan waxaa uun korkaaga ah gaadhsiin cad.
  4. Way garan nicmada Eebbe wayna dafiri, badankooduna waa gaalo.

 

Eebbe wuxuu aayadahan ku sheegi nicmooyinkiisa qaarkood, sida guryaha, hargaha xoolaha, dhogorta xoolaha, geedaha la hadhsado, buuraha la dugsado, dharka kulaylka iyo qabowga ka dhawra, labbiska dagaalka, waxaas oo dhanna wuxuu Eebbe u-siiyey inay Muslim ahaadaan, oo Xaqa ku toosnaadaan, ciddiise ka gaalowda oo Xaqa ka jeedsata iyada un baa iska-dhuntay ee Rasuulka waxaa uun laga rabaa Xaq-gaadhsiin, haddana iyagoo og nicmada Eebbe yey dafirayaan oo diidi. Ibnu Abii Xaatim waxaa laga wariyey in nin reer miyiga Carbeed ah Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) u-yimid warsadayna Nabiga markaas ku akhriyey aayaadkan isagoo leh haa mid walba, markaas jeedsaday. Markaasay soo degtay aayadda kale, waase aayad guud ahaan loola jeedo, ayna waajib tahay in nicmada Eebbe la aqoonsado laguna mahdiyo. An-Naxl (80-83)

 

  1. [Xusuusi] maalintaan kasoo bixin ummad kasta marag, markaasna aan loo idmayn kuwii gaaloobay cudur-daarasho, lagana doonayn cudur-daar.
  2. Markay arkan kuwii dulmi falay cadaabka lagama fududeeyo xaggooda lamana sugo.
  3. Markay arkaan kuwii gaaloobay shurakadooda waxay dhahaan, “Eebbow kuwaasu waa shurakadannadii aannu caabudi jirray Eebbe ka-sokow,” markaasay kusoo tuureen hadal ah, “Idinku been baad sheegaysaan.”
  4. Waxayna u dhiibaan Eebbe maalintaa hoggaansiga, waxaana ka dhuma waxay been-abuuran jireen.
  5. Kuwii gaaloobay ee ka awday dadka Jidka Eebbe waxaan ugu siyaadinnaa cadaab korka cadaabka faasiqnimadooda darteed.

 

Aayadahanna waxay ka warrami xaalka gaalada maalinta Qiyaame iyo Nabigii ummad walba marag looga dhigi, wax cudur-daaranna aan laga aqbalaynin lana warsanayn, cadaabkana laga fududaynayn, oyna gaaladii iyo waxay caabudayeen oo Eebbe kasoo hadhay murmi isna beenin, gaalana maalinta hoggaan Eebbe u-dhiibi, mase aha waqti hoggaan dhiibid ee waa uun ama Janno wanaag ku dhan yahay (Eebbaan ka baryaynaaye) ama Naar dulli ku dhan yahay (Eebbaan ka magan-galaynaaye) wixii la caabudaayay ee Eebbe kasoo hadhayna wuxuu noqday been la dhoobdhoobay iyo wax-kama-jiraan kuwii gaaloobay ee dadkana Xaqa ka leexiyay waxay mudan cadaab mid kale lagu kordhiyo faasiqnimadooda darteed, saasayna dhabtu u-muuqan oo loo kala-bixi, loona kala-miirmi. An-Naxl (84-88).

 

  1. [Xusuusi] maalintaan kasoo bixinayno ummad kasta marag naftooda ah oon ku keenayno [Nabiyow] adoo marag ku ah kuwan [ummaddaada] waxaana kugu dajinnay Kitaab oo ah caddaynta wax kasta iyo hanuun iyo naxariis iyo bishaarada dadka Muslimiinta ah.
  2. Eebbe wuxuu fari caddaalad iyo sama-fal iyo wax-siinta qaraabada wuxuuna reebi xumaan iyo munkar iyo gar-darro, wuuna idin waanin inaad wax xasuusataan.
  3. Oofiya ballanka Eebbe markaad ballantantaan hana burinina dhaarta kadib intaad adkayseen ood uga yeesheen Eebbe korkiinna kafiil [ilaaliye], Eebbana waa ogyahay waxaad falaysaan.
  4. Hana noqonina sidii tii burisay [furfurtay] soohiddii xoog kadib furfurid idinkoo ka yeelan dhaartiinna dhagar dhexdiinna ah, inay ahaatay ummad mid ka badan ummad kale, Eebbe wuu idinku imtixaani [amarkaas] iyo inuu idiin caddeeyo maalinta Qiyaame waxaad isku diiddanaydeen.

 

Maalinta Qiyaame cid walba marag baa loo keeni, ummadanna waxaa marag u-noqon Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) Qur’aan wax kasta caddeeyayna waa lagusoo dajiyay oo hanuun, naxariis iyo bishaaro u ah Muslimiinta. Ibnu Mascuud wuxuu yidhi, “Qur’aanka waxaa naloogu caddeeyay cilmiga wax kasta.” Aayadda kale Eebbe wuxuu ku faray caddaalad, sama-fal, qaraabadoo la xidhiidhiyo, wuxuuna ku reebay xumaanta, munkarka iyo gar-darrada, waana waano si loo xusuusto. Xadiith waxaa ku sugnaaday, “Dambi in Eebbe ugusoo dedejiyo ciqaabta adduunka iyadoo tii Aakhiro dhiman tahay ka mudan gar-darro iyo qaraabo-goys ma jiro.” Ibnu Mascuudna wuxuu yidhi, “Aayadda u-kulmin badan ee Qur’aanka waa tan.” Eebbana wuxuu jecel yahay umuuraha sare ee sharafta leh, wuxuuna nacaa waxyaalaha hoose ee xun, sida xadiith ku sugnaatay, ballanka iyo dhaartana waa in la oofiyaa inta la adkeeyey kadib, lana burinin oon la noqonin sidii haweeneydii soohday xadhiga iyo dunta markaas furfurtay, lagana yeelanin dhaarta dhagar isagoo iaga faa‘iidaysan in ummaddii ka badatay ummad kale, Eebbana dadka wuu imtixaani inuu u-caddeeyo Qiyaamada waxay isku-khilaafsanaayeen kalana xukumo. An-Naxl (89-92)

 

  1. Hadduu doono Eebbe wuxuu idinka yeeli lahaa ummad kaliya wuxuuse dhumiyaa cidduu doono, wuuna hanuuniyaa cidduu doono, waana laydin warsan waxaad camal-falayseen.
  2. Haka yeelanina dhaartiinna dhagar dhexdiinna ah ood markaas simbiriirixataa gomadi intay sugnayd kadib ood dhadhamisaan xumaan [cadaab] ka-jeedintiinna dadka Jidka Eebbe darteed, waxaana idiin sugnaaday cadaab wayn.
  3. Hana ku gadanina ballanka Eebbe qiimo yar [waxba] waxa Eebbe agtiisa ah yaa idiin khayr-roone haddaad wax ogtihiin.
  4. Waxa agtiinna ah wuu dhammaan waxa Eebbe agtiisa ahna wuu hadhi waxaana ku abaal-marinaynaa kuwa samra [adkaysta] ajirkooda midka ugu fiican ee ay falayeen.

 

Eebbe wuxuu aayadahan ku sheegi in hadduu doono uu dadka wada marin lahaa waddo qudha kana yeeli lahaa ummad kaliya, waxayse keentay xikmaddiisu inay cidna dhunto midna hanuunto camalkoodan uu warsado Qiyaamada. Tan kale wuxuu ka reebi inay Xaqa ka leexdaan oo simbiriirixdaan, dhaartana isku khayaamaan, markaa ay dhadhamiyaan ciqaab ka-leexashada iyo ka-leexinta Jidka Eebbe, cadaab waynna u-sugnaado, iyo inaan lagu gadanin ballanka Eebbe qiimo yar, waxa adduunka jooga oo dhanna waa yar yahaye, waxaana khayr-roon waxa Eebbe agtiisa ah hadday wax garan, waxa dadka agtiisa ahna way dhammaan oy tegi, waxaase hadhi oo waari waxa Eebbe agtiisa ah oo camal fiican, ajir iyo khayr ah, waxaana lagu abaal-marin kuwa dar Eebbe u-samra ajirkooda ugu fiican camalkoodii dartiis. Aayaduhuna waxay ku tusin in ballanka la dhawro, in hanuunka lagu dadaalo, inaan dhaarta dadka lagu khayaamin, inaan Xaqa dadka laga celinin lagana leexin, inaan Xaqa la gadanin lagana dul faa‘iidaysan adoo Xaqa ka leexan oo leexin, in dadka iyo waxay haystaan tagi, Eebbe iyo Xaquna hadhi. An-Naxl (93-96)

 

  1. Ciddii camal-fasha wanaag oo rag ah ama haween ah isagoo mu‘min ah waxaan noolaynaynaa nolol wanaagsan, waxaana ku abaal-marinaynaa ajirkooda waxa ugu wanaagsan ee ay falayeen.
  2. Markaad akhriyi Qur’aanka ka magan-gal Eebbe Shaydaan la dheereeyey.
  3. Isagu kuma leh xujo kuwa rumeeyey Xaqa Eebbahoodna talo-saarta.
  4. Wuxuuse xujo ku yeeshaa kuwa ka wali yeesha iyo kuwa la-wadaajiya Eebbe.
  5. Haddaan ku badalanno aayad meel aayad kale Eebbana ogyahay wuxuu dejin waxay dhahaan, “Waxaad uun tahay been-abuurte,” badankooduse wax ma oga.
  6. Waxaad dhahdaa, “Waxaa kasoo dejiyey ruuxii daahirka ahaa [Jibriil] xagga Eebbaha Xaqa ah inuu ku sugo kuwii rumeeyey Xaqa iyo hanuun iyo bishaaro isagoo u ah Muslimiinta.”

 

Rag iyo haween ciddii wanaag fasha waxaa lagu abaal-marin wanaag illeen waa loo siman yahay cibaadada Eebbe iyo khayrkiisa iyo wanaaggiisee, wuxuuna Eebbe ku noolayn nolol wanaagsan, waxaana xadiith ku sugnaa, “Waxaa liibaanay ruuxii Muslim noqda oo lagu arzuqo kafaaf oo ku raalli-noqda waxa Eebbe ku arzuqo.” Waxaa wariyay Imaam Axmed iyo kuwo kale. Marka Qur’aanka la akhrinna waa in Eebbe Shaydaanka laga magan-galo, awoodna kuma leh mu‘miniinta Eebbahood tala-saarta ee wuxuu awood iyo suldo ku leeyahay kuwa ka wali yeesha ee raaca dhumintiisa iyo xumaantiisa iyo kuwa Eebbe la wadaajiya cibaadada, marka Eebbe aayad mid kale ku baddalana waxay dhahaan gaaladu, “Waa been-abuurasho,” Eebbaase og wuxuu soo dejin, Xaqna kusoo dejiyay, Jibriilna usoo dhiibay, waase jaahiliin badankoodu, wuxuuna usoo dejiyay inuu ku sugo kuwa Xaqa rumeeyay, hanuun iyo bishaarana u-noqdo Muslimiinta, halkaasna waxaa ka muuqda in ruuxii mu‘min ah oo toosnaada rag iyo haweenba Eebbe ku noolayn nolol fiican, Aakhirana khayr siin, inuu Shaydaan col yahay lagana magan-galo Eebbe mar walba iyo marka Qur’aanka la akhrin inuusan awood ku lahayn Shaydaanku mu‘miniinta Eebbe tala-saarta, ee uu awood iyo suldo ku leeyahay kuwa talo u-dhiibta ee ugu shariik-yeela Eebbe, in Eebbe awoodda isagu iska leeyahay soo dajinna jiray wuxuu doono oo Qur’aanka ah. An-Naxl (97-102)

 

  1. Waxaan dhab u-ognahay inay dhihi, “Waxaa bara Nabiga Qur’aanka dad,” carrabkay ku leexin waa Cajami, kanna waa lisaan [af] Carabi cad.
  2. Kuwaan rumayn aayaadka Eebbe ma hanuuniyo Eebbe waxayna mudan cadaab daran.
  3. Waxaa uun abuurta been kuwaan rumayn aayaadka Eebbe kuwaasuna iyaga un baa beenaalayaal ah.
  4. Oo ah kuwa Eebbe ka gaaloobay rumayn kadib [ee mudan halaag] ruux lagu qasbay qalbigiisuna ku xasillan yahay iimaanka mooyee, ruuxiise laabtiisu u waasac noqoto [rumayso] gaalnimo waxaa korkooda ah cadho Eebbe, waxayna mudan cadaab wayn.
  5. Arrintaasuna waa inay ka doorteen nolosha dhaw [ee adduun] Aakhiro iyo inaan Eebbe hanuuninayn kuwa gaalada ah.
  6. Kuwaas Eebbaa daboolay quluubtooda, maqalkooda iyo araggooda waana kuwa uun halmaansan [Xaqa].
  7. Waxaa sugan in kuwaasu Aakharo ay iyagu uun khasaareen.

 

Gaaladu wax kasta oo ceeb ah oo u-muuqata way ku sheegeen Nabiga iyo Qur’aankaba, intay ka dhahaan, “Waxaa wax bara nin Cajami ah,” Eebbaase beeniyay tirtirayna beentoodii illeen Qur’aanku waa Carabi cad ee, cid dhuntay oon rumaynayn Xaqana Eebbe ma waafajiyo hanuun iyo Xaqa, waxayna mudan ciqaab daran. Beenna waxaa abuurta kuwaan rumaynin aayaadka Eebbe ee uun beenaalayaasha ah, ee ah kuwa gaalooba rumayn kadib cid lagu qasbo oo qalbigeedu Xaqa ku sugan yahay mooyee, ciddiise qalbigeedu aqbalo gaalnimada waxaa korkooda ah cadho Eebbe, waxayna mudan cadaab wayn, illeen adduun bay Aakhiro ka doorteene, Eebbana ma hanuuniyo waana kuwa Eebbe daboolay qalbigooda, maqalkooda iyo araggooda ee halmaamay Xaqa, dhab ahaanna u-khasaaray, waana in Eebbe laga baryo ku-sugnaanta Diinta, laguna dadaalo ku-sugnaanteeda, ciddii dooni inay aragto siday Muslimiintii hore ugu sugnaayeen Diintooda ha akhrido taariikhda Bilaal, Xubayd binu Zayd, Cabdullaahi binu Xudaafa iyo kuwo kale wuxuu arki geesinnimada iyo adkaysiga iyo Xaq ku-sugnaanta. An-Naxl (103-109)

 

  1. Eebbahaase kuwa hijrooday intii la fidmeeyey [la dhibay] kadib markaas jahaaday oo samray [adkaystay] Eebbahaana intaas kadib waa u dambi-dhaafe naxariista.
  2. Waana maalin ay imaan naf walba iyadoo ka doodi [daafici] nafteeda oo loo oofin naf kasta waxay fashay lana dulminayn.
  3. Eebbe wuxuu tusaale ka yeelay magaalo ahayd aamin oo xasiloon ugana yimaado rizqigeedu [cunnada] oo barwaaqo ah meel kasta oo ka gaalowday nicmooyinkii Eebbe oo Eebbe dhadhansiiyey gaajo dabooshay iyo cabsi waxay sameynayeen darteed.
  4. Waxaa dhab ahaan ugu yimid rasuul kamid ah wayna beeniyeen, waxaana qabtay cadaab iyagoo daalimiin ah.

 

Ciddii ay u-suuroobi waydo inay dar Eebbe u-hijrooto, kadibse hijroota intii la dhibay markaas jahaadda oo adkaysata Eebbe wuu u dambi-dhaafi una naxariisan, maalinta Qiyaamana waa maalin naf kasta ay ka doodi oy ka murmi, naf kastana loo oofin waxay camal-fashay, oon lana dulmiyeyn, waxaana tusaale ugu filan magaalo aamin iyo nabad ahayd cunnaduna uga imaan jirtay meel kasta oo ka gaalowday nicmooyinkii Eebbe oo Eebbe dhadhansiiyey gaajo iyo cabsi camalkoodii dartiis, waxaana u-yimid Rasuul kamid ah ooy beeniyeen markaas cadaab qabtay iyagoo daalimiin ah. Ibnu Kathiir wuxuu yidhi, taasi waa tusaale Makka waxay ahayd aamin xasilloon ciddii gashana aamin noqon, markaasay gaalowday oo diiday nicmooyinkii Eebbe una wayneyd soo-bixintii Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wayna caasiyeen Rasuulkii wayna khilaafeen intuu abaar ku habaaro oo markaas abaari ku dhacday waana abaalka Xaq-diide oo dhan. An-Naxl (110-113)

 

  1. Ee cuna waxa Eebbe idinku arzuqay ee xalaasha fiican ah kuna shukriya nicmada Eebbe haddaad isaga caabudaysaan.
  2. Wuxuu uun idinka xarrimay bakhtiga, dhiigga, hilibka doofaarka iyo wixii lagu gawraco waxaan magaca Eebbe ahayn, ciddii dhibaatoota [gaajo] iyadoon dulmiyin xadna gudbin Eebbe waa dambi-dhaafe naxariista.
  3. Ha dhihina wuxuu carrabkiina ku tilmaami been, “Kani waa xalaal kanna waa xaaraan,” inaad ku been-abuurataan Eebbe, kuwa ku been-abuurta Eebbe ma liibaanaan.
  4. Waa nolol yar [adduunku] waxayna mudan cadaab daran.
  5. Kuwii yuhuudoobay waxaan ka xarrimnay waxaan kaaga qisoonnay horay, mana aanaan dulmiyin iyagaase naftooda dulmiyey.
  6. Markaas Eebbahaa kuwa xumaan ku fala jaahilnimo markaas tawbad-keena intaas kadib oo suubbiya camalka Eebbahaa kadib wuu u dhaafi una naxariisan.

 

Xalaasha waa in la cuno xaaraantana laga fogaado sida bakhtiga, dhiigga, hilibka doofaarka, waxa lagu xuso waxaan magaca Eebbe ahayn, boolida iyo waxaan ku bannaanayn sharciga Islaamka iyo Diinta, ruuxiise ka yaaba khatar gaajo darteed wuu ka cunaa waxaan la gawricin isagoon xad gudbayn dulmina falayn, waana in laga dheeraado inuu been iyo cilmi-darro la yidhaah, “Kani waa xalaal kanna waa xaaraan,” isagoo been sheegi, ciddii Eebbe ku been-abuuratana ma liibaanayso, adduunkana wuxuu ku noolaan wax yar, markaas cadaab daran mudan; Yuhuudna waxaa laga xarrimay wixii horay loo soo sheegay Eebbana ma dulmiyin ee iyagaa is-dulmiyey, ciddiise jaahilnimo dambi ku samaysa markaas tawbad-keenta oo suubbada Eebbe wuu u dambi-dhaafi una naxariisan. Culimadii hore qaarkood waxay dheheen, “Ciddii Eebbe caasida waa jaahil,” saas darteed waa in xalaal la cuno, Xaqa lagu hadlo, la tawbad-keeno. An-Naxl (114-119)

 

  1. [Nabi] Ibraahiim wuxuu ahaa ummad [khayr-fare] Eebbe-adeece Xaqa u-iishe, mana kamid ahayn mushrikiinta.
  2. Kuna shukriya nicmada Eebbe wuuna doortay wuxuuna ku hanuuniyey Jidka Toosan.
  3. Waxaana siinnay adduunka wanaag, Aakhirana wuxuu kamid noqon kuwa suubban.
  4. Markaas waxaan kuu waxyoonnay Nabiyow, “Raac Diinta [Nabi] Ibraahiim ee toosan,” kama mid ahayn mushriikiinta.
  5. Sabtida waxaa uun loo yeelay kuwii isku-khilaafay, Eebbahaana wuu kala-xukumi dhexdooda maalinta Qiyaame waxay isku-khilaafayeen.
  6. Ugu yeedh Jidka Eebbahaa si xikmad ah iyo wacdi fiican ah kulana dood sida u-fiican, Eebbahaana wuu ogyahay cidda ka dhunta Jidkiisa wuuna ogyahay kuwa hanuunsan.
  7. Haddaad wax ciqaabaysaan u-ciqaaba inta laydin ciqaabay, haddaad samirtaanna isagaa u khayr-roon kuwa samra.
  8. Samir, mana aha samirkaagu dar Eebbe mooyee, hana ka murugoon, hana ka cidhiidhyamin waxay dhagri.
  9. Eebbana wuxuu la jiraa kuwa dhawrsada wuxuuna la jiraa kuwa samo-fala.

 

Nabi Ibraahiim wuxuu ahaa ummad iyo imaam khayrka lagaga daydo, oo Eebbe adeeca Xaqana ku toosan mushrikiinta ka fog, nicmada Eebbana ku mahdiya, Eebbaana doortay, hanuuniyeyna, siiyeyna adduunka wanaag, Aakharana ka yeelay kuwa suubban, markaas Nabiga faray inuu raaco Diintii Nabi Ibraahiim ee toosnaa, saas darteed waa inaan Xaqa ku noqonnaa imaam lagu daydo oo khayrka u-hoggaamiya. Tan kale wuxuu Eebbe ka warramay sida Yuhuud loogu yeelay Sabtida inay cibaadaystaan nastaanna, sida ummaddeenna loogu yeelay Jamcada, wayse is-khilaafeen Yuhuud, Eebbaase kala xukumi Qiyaamada waxay isku-khilaafeen, waana in dadka Xaqa loogu yeedho lana tusiyo si xikmad iyo kaadsiinyo iyo waano fiican ah, ahaynna adayg iyo canaan iyo darraan, waana in sida u fiican loogula doodo Xaqa ciddii Xaqa ku doodi, Eebbana waa ogyahay cidda dhumi iyo tan hanuuni, haddii la ciqaabi oo laga aarsan cid kugu xad-gudubtayna waa in uun la ciqaabo wax le‘eg waxay ciqaabeen haddii layska samrana u-fiican ciddii samirta, dar Eebbaana loo samraa, sidii Nabiga kana reebay Eebbe inuu ka murugoodo ciddii beenisa oo khilaafta kana cidhiidhyamin dhagartooda, Eebbana wuxuu la jiraa kuwa dhawrsada iyo kuwa samo-fala. Markii Sayid Xamze lagu dilay Uxud lagana jeexjeexay jidhkiisii yuu Nabigu yidhi, “Waxaan ugu aari toddobaatan,” markaasay soo degtay. An-Naxl (120-128)

 

Suurat al-Israa’

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxa nazahan [ceeb ka fog] Eebbaha ka guuriyey addoonkiisa [Nabiga] habeen Masaajidka Xurmada leh [Makka] xagga Masjidkii Aqsaa een barakaynay gaararkiisa, inaan tusinno [Nabiga] aayaadkannaga, Eebbana waa maqle arka.
  2. Waxaana siinnay [Nabi] Muuse Kitaabkii [Tawreed] waxaana uga yeellay hanuun banii-Israa‘iil inaydaan ka yeelanin wax igasoo hadhay wakiil.
  3. Faricii kuwaan la xambaarnay [Nabi] Nuux, wuxuuna ahaa addoon [Eebbe] ee shukri badan.

 

Eebbe isagaa adduun iyo Aakhiro iyo waxa dhex-joogaba abuuray, cid abuurka kula murmina ma jirto, suu doono yuuna ugu tasarrufaa una maamulaa, wuxuuna Nabigiisii Muxammad ahaa (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ka dheelmay kana guuriyey Makka una guuriyey xagga Masaajidka Aqsaa ee isna barakaysan, si Eebbe u-tusiyo nicmooyinka Eebbe, illeen Eebbaa wax walbana maqla arkanee, waxaana ku sugnaaday xaqnimada arrintaas xadiithyo badan waxaana kamid ah xadiithka dheer ee Bukhaari wariyey ee ah: Anas binu Maalik wuxuu yidhi, “Habeen laga guuriyey Rasuulka Masaajidka Kacbada oy u-yimaadeen saddex ruux,” waana xadiith ka warramaya wuxuu arkay Nabigu habeenka. Bayhaqina wuxuu wariyey in Nabigu uu arkay nuur, Imaam Axmedna isna wuxuu weriyey xadiith ku saabsan xaalkan, waxayna sugi in Nabiga Makka laga dheelmay oo Qudsi loo dheelmay, in samada loo koriyey, inuu Nabiyadii la kulmay, in salaadda lasoo faray, inuu arkay dad badan oo la ciqaabi, sida kuwa salaadda ka cuslaaday, khamrada cabba, xaaraanta cuna, zinaysta, wax xanta, Xaqa u-hoggaansamin, iyo kuwo kale, wuxuuna arkay Jannadii iyo Naartii, Eebbana wuu sharrifay Nabigiisa, sidaas daraaddeed waa in si dhab ah loo rumeeyo guurinta Nabiga iyo koriddiisa cirka iyo waxyaalaha la faray iyo wuxuu arkay, waxaana shakin ama beenin munaafiq iyo gaalo, waa in lagu adkaado Diinta Eebbe halkaas Nabiga u-geeyey gaar ahaan salaadda, xumaantana laga fogaado, ciddii doonta inay war badan ka ogaato arrintan ha akhrido tafsiirka aayadda, aayadaha kale waxay ka warrami inuu Eebbe Nabi Muuse siiyey Kitaabkii Tawreed., ee hanuuninaayey banii-Israa‘iil ugana digaayey inayna wakiil ka dhiganayn wax Eebbe kasoo hadhay, illeen waa faricii cidduu Eebbe la koriyey Nabi Nuux ee, wuxuuna ahaa addoon mahadnaq badan, waana inay xusuustaan nicmadaas Xaqana ku toosnaadaan, Eebbana si dhab ah u-caabudaan una aqoonsadaan, haddii kale dulli iyo ciqaab. Ibnu Kathiir wuxuu yidhi, “Xadiithka dheelminta waxaa wariyey Anas, Cumar binu Khaddaab, Cali ibnu Mascuud, Abii Dar, Abii Hureyra, Maalik binu Sacsacata, Abii Saciid ibnu Cabbaas, Shaddaad, Ubayyi ibnu Camar, Jaabir, Abii Ayyuub, Xudeyfe, Abii Umaama, Samurra, Suhayb, Ummu Haani, Caa‘isho iyo Asmo.” Al-Israa’ (1-3)

 

  1. Waxaan ku [ogaysiinnay] ugu waxyoonnay banii-Israa’iil Kitaabka [Tawreed] inaad fasaadinaysaan dhulka labo jeer, isna-kibrinaysaan is-kibrin wayn.
  2. Markuu yimaado yabooha [waqtiga] midda hore waxaan idinku soo bixinnaa [dirraa] addoomadannada oo xoog daran leh, dhex-galina [hanan] guryaha dhexdooda waana yabooh la fali.
  3. Markaasaan idinku soo celinnaa dawladnimada, idinkuna xoogaynaa xoolo iyo carruur idinkana yeellaa kuwa tiro badan.
  4. Haddaad samo-fashaan waxaad u samo-fasheen naftiinna, haddaad xumaan fashaanna waa uun naftiinna, markuu yimaado yabooha dambana way xumeeyaan wajigiinna iyo inay galaan Masaajidka [Baytul-Maqdis] siday u-galeen markii hore iyo inay damiraan [tirtiraan] waxay u-adkaadaan tirtirid.
  5. Waxay u-dhawdahay in Eebbihiin idiin naxariisto, haddaad ku noqotaanna waannu ku noqon, waxaana uga yeelnay Jahannamo gaalada gogol.

 

Aayadahanna wuxuu Eebbe kaga warrami xaalka banii-Israa‘iil iyo inay fasaadin dhulka labo jeer aadna isula waynan, isuna kibrin, markaas labada jeerba lagu diri addoomo Eebbe oo daran dhulkana ka dhex-geli kana qabsan, ciqaab iyo halaagna dhadhansiin, hadday wanaag falaanna waa uun naftooda hadday xumaan falaanna waa dhibka naftooda, wuxuuna Eebbe sugay in marka dambe Masjidka Qudsi loogu gali xumaan iyo xanuunna ay la kulmi, naxariista Eebbase way u-furan tahay ciddii Eebbe u-noqon oo tawbad-keeni, haddayse xumaanta ku noqdaan Eebbana wuxuu ku noqon ciqaabtooda iyo abaal-marintooda, Jahannamana waa gogosha gaalada, wax badan yey culimadu ka hadleen arrintaas laakiin Eebbaa og inay tagtay iyo inay dhiman tahay. Maxaa diidi haddii lagu ciqaabo gacmaha Muslimiinta Qudsina lagasoo celiyo? Al-Israa’ (4-8)

 

  1. Qur’aankanna wuxuu ku hanuunin dadka arrinta u-toosan ugana bishaarayn kuwa fala wanaag inay mudan ajir wayn.
  2. Kuwaan rumeynin Aakhirana waxaan u-darabnay cadaab daran.
  3. Wuxuu u-yeedhaa [baryaa] dadku shar siduu ugu yeedho [baryo] khayrka, dadkuna waa degdeg ee.
  4. Waxaan ka yeellay habeenka iyo maalinta labo calaamo, waxaana tirraa calaamada habeenka, waxaana ka yeellaa calaamada maalinta mid wax tusisa [arag] inaad doontaan fadliga Eebbihiin iyo inaad ku ogaataan tirada sanooyinka iyo xisaabta, wax kastana waxaannu u-caddeynay caddayn [aad ah].
  5. Ruux kasta waxaan laaziminay camalkiisa [loo qaddaray] luquntiisa, waxaana usoo bixinnaa maalinta Qiyaame kitaab uu la kulmi isagoo fidsan.
  6. Laguna dhihi, “Akhri kitaabkaaga, isagaa kuugu filan maanta korkaaga xisaab ee.”

 

Qur’aankuna wuxuu ku toosin dadka arrinta ugu toosan uguna fiican xagga caqiidada, xukunka, akhlaaqda, macaamilada iyo wax kasta oo wanaag lagu gaadho adduun iyo Aakhiraba, wuxuuna ugu bishaarayn mu’miniinta wanaagga fala ajir wayn, kuwaan Eebbe iyo Aakhiro rumaynna cadaab daran in loo darbay, tan kale dadku wuu degdegaa isagoo shar iyo balaayo baryi sida khayrka iyo wanaagga, waxaana xadiith ah: “Ha habaarina naftiinna iyo xoolihiinna, waxaa laga yaabaa inaad ka waafaqdaan Eebbe saacad la ajiibo oo laydin ajiibo.” Eebana wuxuu ka yeelay habeenka iyo maalinta calaamad ku tusin qudradiisa, iyo inay xasilaan habeenkii, una socdaan maalintii shaqo iyo sanco iyo camal iyo safar, kuna ogaadaan ayaamaha, jumcooyinka, bilaha iyo sanooyinka, wuxuuna Eebbe caddeeyey wax kastoo loo baahan yahay, ruux kastana waxaa laazimi oo la xidhiidhi camalkiisa, Qiyaamadana waxaa loo soo bixin kitaab uu la kulmo isagoo fidsan, laguna dhihi, “Akhri kitaabkaaga iyo xaashidaada kuugu filan maanta xisaab ee.” Saas darteed mar haddaan haysanno Qur’aankana wanaagga ku toosin waa inaan qabsannaa oon raacnaa kuna fara adaygnaa. Al-Israa’ (9-14)

 

  1. Ruuxii hanuuna wuxuu uun u-hanuunay naftiisa kii dhumana wuxuu uun u-dhumay naftiisa, mana xambaarto nafi dambi naf kale, mana cadaabno intaan uga soo dirro Rasuul.
  2. Markaan doonno inaan halaagno qaryad waxaan farraa kuweeda loo nicmeeyey [khayr] markaasay ka faasiqoobaan waxaana ku sugnaada ciqaab waana tirtirraa tirtirid [halaag].
  3. Imisaan halaagnay quruun [Nabi] Nuux kadib Eebbahaa baana ugu filan dambiyada addoomadiisa ogaade arka.
  4. Ciddiise doonta Aakhiro oo u-fala camalkeedii isagoo mu‘min ah kuwaas camalkoodu wuxuu noqon mid la mahdiyo.
  5. Ruuxii dooni adduunyo waan ugusoo dedejinnaa dhexdeeda waxaan doonno ciddaan doonno, markaasaan ka-yeellaa Jahannamo mid gala isagoo caayan oo dullaysan.

 

Ciddii hanuunta wuxuu uun wax u-taray naftiisa, tii dhuntana waxay uun dhibtay nafteeda, nafna ma qaaddo dambi naf kale, Eebbana dadka ma cadaabo isagoon usoo dirin Rasuul Xaqa u-caddeeya oo tusiya Jidka Toosan, markii Eebbe halaagi magaalo ama ummadna waxaa Xaqa iyo wanaagga diida oo ka faasiqooba kuwa xoolaha loogu nicmeeyey iyo kuwo xun oo madax ah, markaasay ciqaabtii Eebbe ku dhacdaa, lana halaagaa halaag dhab ah, in badan yuuna Eebbe halaagay quruumo Nabi Nuux kadib, Eebbana ogaansho iyo arkid ugu filan dambiyada addoomadiisa, ciddii jecel oo camalkiisa la dooni adduunyo iyo dhalanteedka, wuxuu Eebbe ka siiyaa wax cidduu doono wuxuu doono, markaasuu galiyaa Jahannamo isagoo caayan oo dullaysan, ciddiise doonta Aakhiro oo u camal-fasha isagoo mu‘min Xaqa rumeeyey ah kaasi waa mid la mahdiyo camalkiisa, taasina waxay ku tusin in naf walba iyadu mas’uulka koowaad iska tahay nafci iyo dhibba, xumaanta ku kibirka, xoolaha iyo ladnaanta iyo awoodda iyo inay ciqaab sabab u noqon, inaan Eebbe ciqaabin dadka isagoon Xaqa u-caddayn, in ummado badan la halaagay Nabi Nuux kadib, adduunyo uun ruuxii doonana wuxuu ka heli wuxuu Eebbe doono, waxaana u-dambayn Naar isagoo caayan oo dullaysan, ruuxiise la doona camalkiisa Aakhiro camalna u-fala isagoo mu‘min ah oo raaci Nabiga camalkiisa iyo Islaamka, wuu mahdin camalkiisa lana mahdin, adduunyadana inkastoy Xaq tahay in xalaasha si fiican looga doono haddana ma aha in laga dabo-dhaco oo lagu waasho xalaal iyo xaaraan. Waxaa xadiith ah, “Adduunku waa guri cidaan guri lahayn iyo xoolo ruuxaan xoolo lahayn, waxaana u-kulmiya cidaan caqli lahayn.” Al-Israa’ (15-19)

 

  1. Dhammaan wax baan uga fidinnaa kuwaas [doona adduun] iyo kuwaas [doona Aakhiro] siismada Eebbahaa, mana aha siismada Eebbahaa mid reeban.
  2. Day sidaan uga fadilnay qaarkood qaarka [kale addunka] Aakharaase wayn darajooyin oo wayn fadilid.
  3. Ha yeelin Eebbe miciisa ilaah kale ood noqotid mid caayan oo la khasaariyo.
  4. Wuxuu faray Eebbahaa inaydaan caabudin isaga mooyee iyo inaad u samo-fashaan labadii waalid samo-falid, hadduu ku gaadho agtaada wayni midkood ama labaduba haku dhihin uf, hana canaanan una dheh hadal fiican.
  5. Una raarici [jilci] garab naxariiseed [u-naxariiso] dhehna, “Eebbow ugu naxariiso siday ii koriyeen anoo yar.”
  6. Eebbihiin wuu ogyahay waxa naftiinna ku sugan, haddaad suubban tihiin isagu kuwa tawbad-keenka badan wuu u-dhaafaa [dambiga].

 

Cid walba Eebbe wuu ka siin adduunka wuxuu doono Eebbe cidnana kama reebbana deeqda adduun ee Eebbe, waana lagu kala-duwan yahay, adduunka mid xoolo leh mid sabool ah, mid fayow mid buka iyo waxyaale kale, Aakharaase darajo wayn oo fadli badan, sida xadiith ku sugnaaday in dadka darajooyinka sare ay u-arki kuwa kale sida xiddiga jahada cirka. Waana in Eebbe kaliya la caabudo oon ilaah kale loo yeelin si uusan ruuxu u noqon mid caayan, oo khasaara, Eebbana wuxuu xukumay in isaga kaliya la caabudo, labada waalidna loo samo-falo, haddii midkood ama labadubana agtaada ku da‘oobaan ha nicin oo karaahiyeysan, hana ku dhihin hadal xun sida uf iyo wixii lamid ah hana canaanan, hadal fiicanna u-dheh, una naxariiso, Eebbana ka bari inuu u-naxariisto siday kuugu naxariisteen kuuna koriyeen yaraantaadii, Eebbana wuu ogyahay waxa naftiinna ku sugan, haddaad wanaagsan tihiinna Eebbaa u dambi-dhaafaa kuwa u tawbad-keena, bal day sida Islaamku u-wayneeyey xaqa waalidka, diintee iyo nadaamkee laga heli naxariistaa iyo qaddarintaa inta lala xidhiidhiyey xaqa Eebbe? Saas darteed waa in si dhab ah loo garto Islaamka looguna dhaqmo, waalidkana loo ixtiraamo loona naxariisto, waxaana xadiithyo badan ku sugnaaday adeecidda waalidka iyo xumaanta caasigooda sida, “Ruuxii soo gaadha labadiisii waalid ama midkood oo Naar gala, Eebbe haku fogeeyo,” [Abuu Daawuud] iyo “Jannadu lugta hooyaday ku hoos-jirtaa,” [lmaam Axmed] Aaway kuwa ku qayliyi u-roonida haweenka? Mase waa sawaxan aan riiqid lahayn iyo been cad? Al-Israa’ (20-25)

 

  1. Sii qaraabada xaqeeda iyo miskiinka iyo socdaalka hana ku xad-gudbin bixin xad-gudub [iyo si xun].
  2. Illeen kuwa ku xad-gudba waa walaalo Shaydaane, Shaydaanna Eebbihiis wuu ka gaaloobay.
  3. Haddaad ka jeedsato xaggooda [wax la‘aan] adoo rajayn naxariista Eebbahaa ood rajayn waxaad ku dhahdaa hadal fudud [fiican].
  4. Haka yeelin gacantaada mid ku xidhan luquntaada hana wada-fidin dhammaan ood noqoto mid la dagaalo oo tabar-gab ah.
  5. Eebbahaa wuu u-fidiyaa rizqiga cidduu doono wuuna u-qaddaraa [cidhiidhiyaa cidduu doono] illeen Eebbe addoomadiisa waa oge arkee.
  6. Ha dilina carruurtiinna ka cabsi faqri [saboolnimo] annagaa arzaaqayna iyaga iyo idinkaba dilkooduna waa gaf wayn.

 

Qaraabada, masaakiinta iyo musaafirkaba waa in la xidhiidhiyo waxna la siiyo, lana xad-gudbin ee si fiican wax loo bixiyo, illeen mubaddir waa walaal Shaydaane, Shaydaan waa mid Eebbe ka gaalooba, haddaadan wax haynna hadal fudud oo fiican ku dheh, waxaana xadiith ah: “Ruuxii jecel in loo waasiciyo rizqiga cimrigana loo dheereeyo ha xidhidhiyo qaraabadiisa. Waana in wax-bixintu dhexdhexaad ahaato, oodan gacanta luqunta ku xidhin bakhaylnimo, wada fidinna oo lagu naco, ama fadhiisatid illeen rizqigana Eebbaa haya oo u-fidiya cidduu doono una qaddara tuu doono imtixaan, wuuna ogyahay addoomadiisa iyo maslaxaddooda, waase in wax la bixiyo oo la sadaqaysto. Abuu Hurayra wuxuu ka wariyay Rasuulka (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Subax kasta oo addoomuhu soo toosaan waxaa dhawaaqi labo malag oo mid dhihi, ‘Eebbow wax-bixiye baddel sii,’ kan kalana dhihi ‘Eebbow hayste halaag sii.’” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Tan kale waa inaan la layn carruurta siday falayeen jaahiliintu iyagoo faqri ka yaabi illeen Eebbaa dhammaan arzaaqee, dilkooduna waa gaf wayn oo xune, waana dambi daran oo adag sida cad. Al-Israa’ (26-31)

 

  1. Ha u-dhawaanina zino illeen waa xumaane waddana u xune.
  2. Hana dilina nafta Eebbe xarrimay xaq mooyee, ruuxii lagu dilo gar-darro waxaan u-yeellay waligiisa xujo ee yuusan ku xad-gudbin dilka waa loo gargaaraye.
  3. Hana u-dhawaanina xoolaha agoonta sida u-fiican mooyee intay ka gaadhaan xooggooda, oofiyana ballanka illeen ballanka waa lays warsane.
  4. Oofiyana kaylka [beegidda] markaad beegaysaan kuna miisama miisaan toosan [caadil ah] saasaa khayr-roon oo fiican cidhib ee.
  5. Hana dhihin [raacraacin] waxaadan u cilmi lahayn, illeen maqalka, aragga iyo qalbigaba waa lays warsane.
  6. Hana u-soconin dhulka kibir illeen ma jeexi kartid dhulka kumana gaadhaysid buuraha dherare.
  7. Dhammaan waxaasna xumaantiisu Eebbahaa agtiisa waa lagu neceb yahay.

 

Zinadu waa dulli, xaaraan iyo halaag, waana in laga fogaado, ileen danbi ka wayn zino gaalnimo mooyee ma jiree, sida Nabigu yidhi, sidoo kale waa inaan xaq-darro naf lagu dilin. Sunan waxaa ku sugnaaday xadiith, “Adduunkoo rogmada yaa ka fudud Eebbe agtiisa naf Muslim ah dilkeed.” Cidda waliga u ah ruuxa la dilana yuusan ku xad-gubin qisaasta, illeen waa loo gargaaraye, xoolaha agoontana waa inaan loogu dhawaanin waxaan wanaag ahayn intay ka xoogaystaan illeen cuniddoodu waa Naare, waana in ballanka la oofiyo, illeen waa lays warsane, kaylka beegidda iyo miisaankana la oofiyaa si fiican oo toosanna loo sameeyaa illeen saasaa fiican oo cidhib roone, waana inaan la sheegin waxaan loo cilmi lahayn, illeen maqalka, aragga iyo qalbigaba waa lays warsane. Tan kale waa inaan dhulka, Eebbe isla-wayni iyo kibir lagu soconin, maxaa faa‘iida ah oo ku jira mar haddaadan dhulka duleelinayn ama buuraha dherer ku gaarayn, illeen miskiin baa tahay hays dhibin si habsanna u-soco, waadna u-jeeddaa aayadahan waxa ku sugan waxaase loo baahan yahay in la raaco dardaaranka. Al-Israa’ (32-38)

 

  1. Arrintaasu waa waxa Eebbahaa kuu waxyooday oo xikmad ah, hana yeelin Eebbe la-jirkiisa ilaah kale oo lagugu tuuro Jahannamo adoo lagu dagaalay oo lagu fogeeyey.
  2. Ma wuxuu idiin doortay Eebbihiin wiilal oos ka yeeshay malaa‘igta gabdho? Idinku waxaad ku hadlaysaan hadal wayn.
  3. Dhab ahaan waan ku caddaynay [gadgaddinnay] Qur’aankan [wax badan] inay waantoobaan umase kordhin waxaan carar ahayn.
  4. Waxaad dhahdaa, “Hadduu la jiro Eebbe ilaah kale siday sheegi waxay ka dooni lahaayeen Eebbaha Carshiga leh jid [cibaado ama la mid noqosho].”
  5. Eebbaa ka nazahan kana sarreeya waxay sheegi sarrayn wayn.
  6. Waxaa u-tasbiixsada [qaddariya] Eebbe samooyinka toddobada ah iyo dhulka iyo waxa u-dhexeeya, waxaan Eebbe u-tasbiixsanayn ama ku mahdinayna ma jiro, waydaanse garanayn tasbiixdooda, Eebbana waa dulsame dambi-dhaafa.

 

Waxaas wanaagsan ee Eebbe faray iyo waxyaalaha xun ee uu reebay waa waxa Eebbe u-waxyooday Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee). Tan kale waa inaan Ilaahay cid kale lala caabudin wuxuu mudan yahayna la siinin, oo ciddii saas yeeshaa lagu tuuri Jahannamo isagoo la dagaalay oo la fogeeyey, Eebbana uma doorin gaalada wiilal isna malaa‘igta gabdho kama yeelan waa hadal gaf ah oo wayn oo gaaladu dhahaan, Qur’aankana Eebbe wax badan buu ku caddeeyey kuna soo celceliyey Xaqa in dadku wacdoomo, daalimiintase waxaan carar ahayn uma siyaadin, Eebbana waa kali, hadday ilaahyo kale la jiraan siday gaaladu sheegi waxay isku dayi lahaayeen inay awoodda Eebbe oo kale yeeshaan, ama haddii kale Eebbaha Xaqa ah caabudaan iyana, Eebbana waa ka-nazahan yahay oo ka sarreeyaa waxay sheegi, waxaaba u-tasbiixsada toddobada samo iyo dhulka iyo waxa ku sugan, wax kastana wuxuu u-tasbiixsadaa kuna mahdiyaa Eebbe mase la kasayo tasbiixdooda, Eebbana waa dulsame dambi-dhaafa, la-yaabna ma leh in wax walba Eebbe weyneeyo xusana illeen isagaa awood leh oo ahaysiiyey. Waxaa la sheegay in Rasuulku (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) u-galay dad gaadiid saaran oo la taagan, kuna kor sheekaysan, markaasuu ku yidhi Rasuulku, “Kora iyadoo nabad qabta oo daaya iyadoo nabad qabta, hana uga yeelanina sheekadiinna waddooyinka iyo suuqa kuraas (oo kale) maxay jirtaa mid la korsan yahay oo ka khayr-roon kan korsan Eebbana ka xusid badan.” Imaam Axmed. Eebbaana awood leh. Al-Israa’ (39-44)

 

  1. Markaad akhriyi Qur’aanka waxaan yeellaa dhexdaada iyo dhexda kuwaan rumeynin Aakhiro xijaab [dayr] asturan.
  2. Waxaana yeellay quluubtooda dabool inay kasaan Qur’aanka, dhagohoodana culays, markaad ku xusto Eebbahaana Qur’aanka kaligiis waxay u-jeedsadaan gadaal iyagoo carari.
  3. Day siday kuugu yeelaan tusaalayaal oy u-dhumeen oyna u-karin jidka hanuunka.
  4. Annagaa og waxay dhagaysan markay ku dhagaysan adiga iyagoo faqi markay dhihi daalimiintu, “Waxaan nin sixran ahayn ma raacaysaan.”
  5. Waxay dheheen [gaaladii] “Ma markaan noqonno lafo iyo burbur yaa nalagu soo celin abuur cusub?”
  6. Waxaad dhahdaa, “Noqda dhagax ama bir.”
  7. “Ama khalqi [abuur] ku wayn laabtiinna,” waxayna dhihi, “Yaa nasoo celin?” Ku dheh, “Eebbihiin idin abuuray markii hore,” waxayna kuu gilgili madaxooda iyagoo leh, “Waa goorma isagu?” Waxaad dhahdaa, “Waxaa suurowda inay dhawdahay.”
  8. Waana maalintuu idiin yeedhi Eebbe ood maqlaysaan isagoo mudan mahad una malaynaysaan inaydaan nagaanin wax yar mooyee.

 

Gaaladu Xaqa iyo Qur’aanka way ka madax-adaygi oo xijaab baa ka xiga xaggiisa, qulubtooduna way daboolan tahay, mana fahminayso Qur’aanka, Eebbe kaliya marka la sheegana way cararaan iyagoo dooni in waxyaalo kale lala sheego, Eebbaa og waxay dhagaysan iyo markay faqi, sheegina daalimiintu in Nabigu yahay nin sixran waxyaalo tusaalooyin ahna way u-yeeleen, waxayse ka dhumeen Xaqii iyo Jidkii, mana karaan u-noqosho Xaq, waxayna diidaan in lasoo bixin iyagoo lafo iyo burbur noqday, waxay doonise ha noqdeen ama dhagax ama bir ama sida cirka iyo wixii lamid ah, waxaa uun idin soo celin Eebbihii markii hore idin abuuray, waxayna madaxa la ruxaan kibir iyo isia-wayni iyagoo warsan goortuu dhici xaalku, waxaase suurowda inuu dhawyahay, maalintase Eebbe ugu yeedhi kulanka Qiyaame way maqli iyagoo amaani una malayn inayna ku nagaanin adduunkii wax yar mooyee, waana kaas Qur’aankii, Nabigii, siday gaalo u-diideen, siday u-dhagreen, siday soo-bixinta u-diideen, Eebbaase soo celin Qiyaamana wataas, madax-ruxii, isla-waynidii iyo Xaq-diidna waxaa ka dambayn khasaare iyo luggooyo. Akhri qisada Abuu Sufyaan, Abuu Jahal iyo Akhras iyo siday u-dhagaysteen Qur’aanka iyagoo kala gabban iyo siday isu-warsadeen iyo hadalkii xumaa ee Abuu Jahal, Xaqii baase hadhay xumaanna tagtay. Al-Israa’ (45-52)

 

  1. Waxaad ku dhahdaa addoomadayda ha dheheen sida u-fiican, Shaydaanku wuu fasaadin dhexdiinnee, Shaydaanna dadka col cad buu u yahay.
  2. Eebbihiinaa idin og [waxaad tihiin] hadduu doono wuu idiin naxariisan, hadduu doonana wuu idin cadaabi, kuugumana aanaan dirin inaad wakiil [ilaaliye] u-noqoto.
  3. Eebbahaana waa ogyahay waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka, dhab ahaan baana ugu fadilnay Nabiyada qaarkood qaarka [kale] waxaana siinnay [Nabi] Daawuud Zabuur.
  4. Waxaad dhahdaa, “U-yeedha kuwaad sheegateen oo Eebbe kasoo hadhay ma hantaan inay idinka faydaan dhib ama idinka wareejiyaan.”
  5. Kuwaas ay caabudina iyagaaba ka dooni xagga Eebbe u-dhawaansho iyo kusii dhawaansho waxayna rajayn naxariistiisa, wayna ka cabsan cadaabkiisa, cadaabka Eebbana waa wax laga digtoonaado.

 

Eebbana wuxuu faray addoomadiisa inay wanaag ku hadlaan, illeen Shaydaanku dadka dhexdiisu fasaadiyaaye, waana colka dadkee, Eebbana waa ogyahay xaalka dadka, naxariis iyo ciqaabba isagaa hanta, Nabigana waxaa loo diray gaadhsiinta Xaqa, ee looma soo dirin inuu wakiil ka noqdo dadka, Eebbana wuu ogyahay waxa ku sugan cirka iyo dhulka, wuxuuna kala fadilay Nabiyada, Nabi Daawuudna wuxuu siiyey Kitaabkii Zabuur ahaa, wax Eebbe kasoo hadhay oo dhib faydi kara ama wareejin karana ma jiro, kuwa ay wax ka dayi ee ay baryi naftoodaa Eebbe u-dhawaansho dooni oo masaakiin ah, naxariistiisana rajayn kana cabsan cadaabkiisa, illeen cadaabka Eebbe waa laga digay waana wax laga digtoonaado, taasina waxay muujin inay waajib tahay in hadal fiican lagu hadlo, in Shaydaan laga digtoonaado, in naxariista Eebbe lagu dadaalo heliddeeda iyo in laga digtoonaado cadaabkiisa (Eebbaa laga magan-galaaye). Al-Israa’ (53-57)

 

  1. Qaryo [magaalo] aanaan halaagayn ma jirto kahor Qiyaamada ama aan la cadaabayn [ciqaabayn] cadaab daran waana arrin ku qoran Kitaabka [Lawxul-Maxfuudka].
  2. Umana aanaan daynin soo-diridda aayado [mucjizo] inay beeniyeen kuwii hore mooyee, waxaana siinnay Thamuud hashii oo wax tusisa wayna ku dulmi faleen [ka gaaloobeen] aayadaha waxaan cabsi-galin ahayn umasoo dirro [dejinno].
  3. [Xusuuso] markaan kugu nidhi, Eebbahaa wuxuu koobaa dadka, kamana aannaan yeelin riyadaan ku tusinnay fitnada dadka mooyee [imtixaan] iyo geedka lagu lacnaday Qur’aanka, waanu ku cabsiin umana siyaadiyo waxaan xad-gudub wayn ahayn.
  4. [Xusuuso] markaan ku nidhi malaa‘igta, “U-sujuuda Aadam,” oy sujuudeen Ibliis mooyee, oo yidhi, “Ma waxaan u-sujuudi waxaad abuurtay isagoo dhooba ah.”
  5. Wuxuuna yidhi, “Ka warran kan aad iga sharriftay, haddaad dib ii dhigto tan iyo Qiyaamada waxaan ka adkaan [dhumin] faraciisa wax yar mooyee.”

 

Magaalo kasta waxaa u-dambeeya halaag Qiyaamada kahor ama ciqaab daran, waana xaal ku qoran Lawxul Maxfuudka, Eebbana wuxuu u-daayey soo-dejinta mucjizadaha waxaa beeniyey kuwii hore, waxaana kamid ahaa hashii reer-Thamuud loosoo bixiyey ee ku tusinaysay awoodda Eebbe, wayna ka gaaloobeen. Waxayna gaaladii Makkaad warsadeen Nabiga waxyaalo ay ku dhibayeen sida in buuraha dahab looga dhigo, iyo togog loo jeexo iyo waxyaalo kale, mucjizadana Eebbe wuxuu usoo dejiyaa cabsiin. Riyaduu Nabigu arkay iyo geedka lagu lacnaday Qur’aankana waa imtixaan, Eebbana wuu koobay dadka, wuuna cabsiin badankoodse way xad-gudbaan oo fasaadka badiyaan. Qisada sujuudda malaa‘igta iyo diiddada Ibliisna waxaa lagu sheegay toddobo suuradood, waxaase loo baahan yahay in lagu waano-qaato, Ibliisna laga digtoonaado, Xaqana lagu tooso. Al-Israa’ (58-62)

 

  1. Eebbe wuxuu ku yidhi, “Tag, ciddii ku raacda oo kamid ahna Jahannamaa jazihiisu yahay abaal-marin dhammaystiran.”
  2. “Ku-duufso ciddaad karto oo kamid ah codkaaga kuna soo jiido fardahaaga iyo lugtaada lana wadaag xoolaha iyo carruurta una yabooh,” mana yabooho Shaydaan waxaan dhagar ahayn [iyo baadi].
  3. Addoomadayda kuma lihid xujo, Eebbahooda waa ku filan yahay wakiil [ilaaliye].
  4. Eebbihiin waa kan idinku wada doonta [markabka] badda dhexdeeda inaad doonataan fadligiisa [rizqi] Eebbana waa idiin naxariiste.
  5. Markuu idinku taabto badda dhibna wuu dhumaa waxaad baryeyseen Eebbe mooyee, markuu idiin soo koriyo barrigana waad jeedsatan dadkuna waa gaalnimo badane.

 

Eebbe wuxuu ugu jawaabay “Tag, adiga iyo inta ku raacda Naarta Jahannamaa abaal loo dhameeyey looga dhigiye, kuna duufso ciddaad karto codkaaga oo hees, durbaan iyo cid kastoo xumaan u-yeedhi, kuna kaxayso fardahaaga iyo lugtaada lana wadaag xoolaha iyo carruurta,” wuxuu yidhi Ibnu Cabbaas, “Xoolo la-wadaagiddu waa xumaanta ay ku bixiyaan,” Xasan al-Basrina wuxuu yidhi, “Waa kasabkeeda xaaraan iyo ku-bixin dambi, la-wadaagidda carruurtana waa dayiciddooda iyo xumayn akhlaaqdooda,” siduu yidhi Xasan al-Basri, waa gaalaynta iyo Islaamka ka-bixinta, yabooha Shaydaanna waa luggooyo, addoomada Eebbe ee fiicanse xujo kuma leh, Eebbaana wakiil ku filan, nicmooyinkiisa waxaa kamid ah inuu badda u-sahlay dadka kuna maraan markab iyagoo fadliga iyo rizqiga Eebbe raadsan. Waana u-naxariistaa ummaddiisa, markuu dhib ku taabto baddana waxay halmaamaan wax kastooy baryayeen oo Eebbe kasoo hadhay, markay barriga tagaanna way jeedsadaan, dadkuna waa gaalnimo badan yahay. Saas darteed waa in laga digtoonaado Shaydaan iyo jidkiisa, waa in xoolaha iyo carruurta xumaan laga dhawraa, nicmooyinka Eebbana lagu mahdiyaa. Al-Israa’ (63-67)

 

  1. Miyaad ka aamin noqoteen in Eebbe idinla gooyo dhinac dhulka kamid ah, ama idinku soo diro dabayl daran markaas aydaan helin wakiil?
  2. Miyaadse ka aamin noqoteen inuu idinku celiyo [badda] mar kale oos idinku diro dabayl [wax jajabisa] oos idin maansheeyo gaalnimadiinna darteed, markaas aydaan u-helin wax noo raacda?
  3. Dhab baanu u-sharrifnay banii-Aadamka waxaana ku xambaarray barriga iyo baddaba waxaana ku arzaaqnay wanaag, waxaana ka fadilnay wax badan oo kamid ah waxaan abuurray fadilaad.
  4. [Xusuuso] maalintaan cid walba ugu yeedhayno imaamkeeda [Qur’aanka ama Nabiga], ciddiise laga siiyo kitaabkiisa midigta kuwaasi way akhrin kitaabkooda lagamana dulmiyo xuub laf-timireed.
  5. Ciddiise adduunka ku indho-la’ [Xaqa diida] Aakharana wuu indho-la’aan oo ka dhumi jidka.

 

Cidna kama aamin aha ciqaabta Eebbe ama dhulka hala gooyo ama badda haku maansheeyo iyo sidii kasta oo uu doono, wax ka daba-kicina ma jiro, Eebbana wuu sharrifay banii-Aadamka, caqliga, abuurka, maqalka, aragga, iyo waxyaale kale, wuxuuna u-fududeeyey ku-safarka iyo ku-socodka barriga iyo badda, kuna arzaaqay wanaag, kana fadilay wax badan oo khalqigiisa ah, cid walbana wuxuu Eebbe ugu yeedhi Qiyaamada ama Nabigeedii ha noqdo ama Kitaabkii loosoo dejiyey iyo camalkiisii, ciddase liibaani waa midda kitaabkeeda midigta laga siin oo akhrin iyagoo ku faraxsan oon la dhibaatayn, ciddiise Xaqa ka indho-la‘ayd adduunka oo ka-leexatay nuurka Eebbe Aakharana way sii indho-beeli oo khasaari, illeen horay bay Xaqa ugasoo indho-beeshaye. Taasina waxay adkayn in Eebbe laga digtoonaado, in Qur’aanka iyo Nabiga imaama laga yeesho, in Xaqa lagu dadaalo si aan loo dhumin loogana indho-beelin adduun iyo Aakhiraba, Eebbana hanuun la warsado. Al-Israa’ (68-72)

 

  1. Waxay u-dhawaadeen gaaladii inay kaa fidmeeyaan waxaan kuu waxyoonnay inaad nagu been-abuuratid wax kale, markaas ay kaa yeeshaan saaxiib.
  2. Haddaanan ku sugin waxaad u dhawaan lahayd inaad u iilato xaggooda wax yar.
  3. Markaasaan ku dhadhansiin lahayn [cadaab] labanlaaban nolosha adduun iyo mid labanlaaban geerida mana hesheen gargaare.
  4. Waxayna u-dhawaadeen inay kaa argaggixiyaan dhulka inay kaa bixiyaan markaas oyna nagaadeen gadaashaada wax yar mooyee.
  5. Waana sunnada Rasuulladaan dirray hortaa, una heli maysid sunnadannada wax dooriya [leexin].

 

Eebbe wuxuu ka warramay siduu ugu gargaaray Nabigiisa, una sugayay inkastoy gaaladii isku dayeen inay Xaqa ka leexiyaan waxay rabaanna uu yeelo, ciddii Muslim ah ee Xaqa uga leexata gaalada darteedna si ay saaxiib ula noqdaan waa mid halaag iyo khasaare ku danbayn iyo ciqaab adduun iyo mid Aakhiroba, waxayna gaaladu had iyo jeer isku-dayi in Muslimiintu usoo dhawaadaan, waase dulli adduun iyo mid Aakhiro iyo gargaarid-la‘aan, gaaladiina waxay isku-dayeen inay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ka saaraan dhulka miyayse kaga danbayn wax yar mooyee, saasayna u-dhacday arrintii, waana sunnada Eebbe ee uu ku falay kuwuu horay u-diray, wax baddali karana ma jiro, dadka wanaagsan la nooliddooda waa tan fiican, markase dhulka ka madho wanaag iyo dadkiis waa uun halaag, ciqaab iyo khasaare sida dhacda. Aayaduhuna waxay adkayn ku sugnaan Xaqa, ka-digtoonida u-dhawaansho iyo la-saaxiibidda gaalada, ka-digtoonida in dadka fiican dhulka laga eryo (ama ha kusoo degto reer Makkaad ama Yuhuud waa arrin guud oo caam ah). Al-Israa’ (73-77)

 

  1. Oog salaadda markay qorraxdu zuusho ilaa madawga habeenka iyo Qur’aanka [salaadda] waabariga [subaxa] Qur’aanka waabariguna waa mid la joogee [malaa‘igta].
  2. Habeenkana tahajjud [qaar tuko] isagoo dheeraad kuu ah, waxay u-dhawdahay in Eebbahaa kuu soo bixiyo maqaam la mahadiyo [shafeecada].
  3. Waxaad dhahdaa, “Eebbow i gali meel galid run ah, ina bixi bixin run ah, iigana yeel agtaada xujo gargaar ah.”
  4. Waxaad dhahdaa, “Waxaa yimid Xaqii waxaana tirtirmay baadilkii, baadilkiina wuxuu noqday mid la tirtiro.”
  5. Waxaana soo dajinaynaa Qur’aanka isagoo caafimaad iyo naxariis u ah mu‘miniinta, daalimiintana uma siyaadiyo waxaan khasaare ahayn.

 

Aayaddu waxay sheegtay waqtiyada salaadda laga billaabo duhurkii ilaa subaxa, inkastoo xadiithyo badan caddeeyeen waqtiyadaas. Abuu Hurayrana wuxuu Nabiga ka wariyay (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) in salaadda subax malaa‘igtii habeenka iyo tii maalintii xaadiri (oo joogi). Imaam Axmed iyo kuwo kale yaa wariyay. Wuxuuna Eebbe faray Nabiga inuu si dheeraad ah u-tukado habeenkii, inkastooy cid walba sunno u-tahay inuu tukado habeenkii, haddana waxaa la sheegay inay Nabiga faral ku ahayd salaad u-kicidda habeenkii, wuxuuna Eebbe ugu bishaareeyay Nabiga maqaam la mahadiyo, oo ah shafeecada Qiyaamada marka Nabiyada lasoo maro dhibaataduna darraato, “War yaa shafeecana?” la is-warsado, sida xadiithyo badan ku sugnaatay, waxaana kamid ah, “Waa lay idmi markaasaan dhihi wuxuu Eebbe doono inaan dhaho, waana maqaamka la mahadiyay.” Imaamu Axmed. Wuxuuna Eebbe Nabiga faray inuu warsado inuu meel fiicanna galiyo bixin fiicanna bixiyo gargaarna siiyo, illeen Xaqii baa yimide, baadilna wuu tirtirmaye, Qur’aankuna waa daawada iyo naxariista mu‘miniinta iyo khasaaraha daalimiinta iyo gaalada, ciddii raacdana waa u khayr tii ka leexatana waa u khasaare. Al-Israa’ (78-82)

 

  1. Markaan u-nicmaynno dadka wuu jeedsadaa [Xaqa ka fogaadaa] hadduu taabto dhibna wuu quustaa.
  2. Waxaad dhahdaa, “Cid kasta haku camal-fasho jidkeeda [diinteeda] Eebbihiin baa og cidda jidkeedu hanuun badan yahaye.”
  3. Waxay ku warsan ruuxda, dheh “Ruuxdu waa amarka Eebbahay cilmina wax yar baa la idin siiyay.”
  4. Haddaan doonno waanu la tagi kaan kuu waxyoonnay [Qur’aanka] markaasna uma helaysid korkannaga wakiil [gargaare].
  5. Naxariista Eebbahaa mooyee illeen fadligiisu korkaaga waa ku wayn yahaye.
  6. Waxaad dhahdaa, “Hadday u-kulmaan insi iyo jinni inay la yimaadaan Qur’aankan oo kale lama imaan karaan wax lamid ah qaarkood qaar haba caawiyee.”
  7. Dhab baan ugu caddaynay dadka Qur’aanka tusaale kasta dadka badankiise wuu diiday gaalnimo mooyee.

 

Dabeecadda dadka badankiis waxaa kamid ah inuu kibro oo Xaqa ka jeedsado markuu ladan yahay, markuu dhib taabtana quustaa oon rajayn inuu khayr heli, cid walbase haku socoto waddadeeda illeen Eebbe wuu ogyahay cidda hanuunsan iyo tan kale wuuna abaal-marine, ruuxduna waa arrin amarka Eebbe ah oosan cidna barin, ciddii warsatayna saasaa loogu jawaabay ama reer Makkaad ha noqdeen ama Yuhuuddu haku kaalmayse, dadkana cilmigoodu waa yar yahay inkastooy qaar is-moodaan inay cilmi badan yihiin, Eebbaa laga magan-galay ee wuxuu caddeeyey in hadduu doono uu la tagi Qur’aanka cid u raacanna ayan jirin, Eebbe naxariistiisa mooyee oo fadliga Eebbe Rasuulka siiyey waa wayn yahay, hadday insi iyo jinniba kulmaan inay Qur’aankoo kale keenaanna ma keeni karaan haba isugu kaalmeeyaane, Qur’aankana Eebbe wax badan yuu ku caddeeyey tusaale dadka badankiise diid waxaan gaalnimo ahayn, ceebaynna ku tahay dadka inay markay ladan yihiin Xaqa ka jeedsadaan, dhibkana quustaan, waxaan anfacaynna warsadaan, illeen Eebbaa awood leh oo Qur’aanka soo dejiyey, wax keeni wax kusoo dhawna ma jiro insi iyo jinni. Al-Israa’ (83-89)

 

  1. Waxay dheheen gaaladii [Makkaad] “Ku rumayn mayno intaad nooga jeexdo dhulka ilo [burqan].”
  2. “Ama kuu ahaan beer timir iyo cinaba ood kusii dayso dhexdeeda wabiyo socda.”
  3. “Ama nagaga soo riddid samada saad sheegatay, goosimo iyadoo ah, ama u-keentid Eebbe iyo malaa‘igta si caddaan ah.”
  4. “Ama kuu ahaado guri dahab ah ama ka kortid samada, kuna rumayn mayno koriddaada intaad noogaga soo dejisid Kitaab aan akhrinno,” waxaad dhahdaa, “Eebbahay baa nazahane ma waxaan bashar [dad] Rasuul ah ahayn baan ahay.”
  5. Dadka uma diidin inay rumeeyaan markuu Xaqu u-yimid oon ahayn inay dhahaan, “Ma wuxuu soo bixiyaa Eebbe bashar [dad] ah Rasuullo?”
  6. Waxaad dhahdaa, “Hadday dhulka yihiin malaa‘ig ku xasilloon [deggan] waxaan ugasoo dejin lahayn samada malag Rasuul ah.”

 

Gaalada iyo caqliga yar waxay had iyo jeer dadka ku qiimeeyaan xoolaha iyo wixii soo raaca, saas darteed waxay usoo jeediyeen gaaladii Makkaad Nabiga inuu ilo biyo ah u-jeexo, ama beer barwaaqo ah u ahaato, ama cirka kusoo dumiyo iyagoo sheegi in Nabigu saas ku yidhi, ama guri dahab ah u-sugnaado, ama cirka ka koro, ayan rumayneyn koriddiisa intuu waraaqo ay akhristaan uga keeno, Eebbaa nazahan oo wayn, Nabigu ma waxaan dad Eebbe u waxyooday ahayn baa? Aad bay isula-wayn yihiin una madax-adkaayeen, sharaftana xoolo, guryo, beero iyo biyo socda u-moodeen, waxaase ka sarreeysa Nabinimo, Qur’aan, akhlaaq, caddaalad, Eebbe-aqoonsi iyo liibaan Aakhiro, hadday malaa‘igi deggan tahay dhulka Eebbe wuxuu usoo diri lahaa malag Rasuul ah, dad baase deggan marka waa in dad lamid ah loosoo diro warka kalana layska dhaafo. Al-Israa’ (90-95)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Eebbaa ugu filan marag dhexdeenna, isaguna waa ogaha arka addoomadiisa.”
  2. Cidduu Eebbe hanuuniyo un baa hanuunsan, cidduu dhumiyana uma helaysid u-gargaare Eebbe kasoo hadhay, waxaana kusoo kulminaynaa Qiyaamada wajigooda iyagoo indho-la‘ oo hadal-la‘ oo dhaga-la‘, hoygooduna waa Jahannamo, mar kastooy dantana waxaan u-siyaadinaa shidid [hurin].
  3. Taasina waa abaalkooda ah inay ka gaaloobeen aayaadkannaga, oy dheheen “Markaan lafo noqonno iyo burbur miyaa nalasoo bixin abuur cusub?”
  4. Miyeyna ogayn Eebbaha abuuray samooyinka iyo dhulka inuu karo inuu abuuro wax lamid ah una yeelo muddo aan shaki lahayn? Wayse diideen daalimiintii gaalnimo mooyee [wax kale].
  5. Waxaad dhahdaa, “Idinku haddaad hanataan khaznadaha naxariista Eebbahay waad xajisan lahaydeen ka-cabsi faqri, dadku waa bakhayl.”

 

Eebbaa marag ugu filan runnimada Nabiga, wuxuuna ogyahay oo arkaa addoomadiisa, cidduu hanuuniyo un baa hanuunsan, tuu dhumiyana cid u-gargaari ma jirto, waxaana loosoo kulmin kuwaas iyagoo wajigooda ku socda illeen Eebbaha lugahooda ku waday wuu karaa inuu ku wado wajigoodee, siduu Nabigu yidhi, waxayna imaan iyagoon wax arkayn, hadlaynna, waxna maqlayn, kuna hoyan Jahannamo markay dantaba lasii hurin, waana abaalkooda illeen aayaadka Eebbay ka gaaloobeene, waxayna diideen in Eebbe soo bixin intay lafo iyo burbur noqdeen waxayse illoobeen in Eebbaha abuuray cirka iyo dhulka uu karo iyagoo kale Qiyaamada una yeelay muddo dhab ah, gaalo iyo daalimiinse waxaan xumaan ku madax-taag ahayn waa diideen, Eebbaana hodan ah dadkuse waa fuqaro, hadday khaznadaha naxariista Eebbe haystaanna way xajisan lahaayeen iyagoo faqri ka yaabi illeen dad waa bakhayl ee. Al-Israa’ (96-100)

 

  1. Waxaan dhab u siinnay [Nabi] Muuse sagaal aayadood [mucjizo] oo cadcad ee warso banii-Israa‘iil markuu u-yimid oo ku yidhi Fircoon, “Waxaan kuu malayn Muusow mid la sixray.”
  2. Wuxuuna yidhi [Nabi Muuse] “Waad ogtahay inuusan soo dejinin kuwaan waxaan Eebbaha samooyinka iyo dhulka ahayn iyagoo xujooyin ah, anna waxaan kuu malayn Fircoonow mid la halaagi.”
  3. Markaasuu doonay Fircoon inuu ka kaxeeyo dhulka markaasaan maansheynay isagii iyo intii la jirtay dhammaan.
  4. Waxaana ku nidhi gadaashiis banii-Israa‘iil, “Dhulka daga, haddii yaboohi Aakhiro yimaado waanu idin keeni dhammaan.”
  5. Xaq baana kusoo dejinnay Qur’aanka Xaq buuna kusoo degay, waxaana ku dirray adoo bishaareeye u-diga ah.
  6. Waana Qur’aan oon u kala-bixinnay [soo-dejintiisa] inaad ku akhrido dadka kaadsiinyo, waana soo-dejinnay soo-dejin qaar qaar ah.

 

Eebbe wuxuu siiyey lana soo bixiyey Nabi Muuse sagaal mucjizo, oo kala ah sida aayaddu sheegtay: ushii, gacantii, abaartii, baddii, maanshayntii, ayixii, injirtii, rihii iyo dhiiggii ama nusqaantii midhaha, banii-Israa‘iilna waa ogyihiin, Fircoonse wuxuu ugu jawaabay inuu dhaho, “Muusow waxaan kuu malayn in lagu sixray,” wayna is-maleeyeen Fircoon iyo Nabi Muuse, waxaase rumoobay malihii Nabi Muuse oo yidhi, “Waad ogtahay inuu aayadahan soo-dejiyey Eebbaha cirka iyo dhulka isagoo xujooyin waano ah waxaana kuu malayn Fircoonow mid la halaagi,” waana la halaagay markuu isku-deyey inuu dhulka ka bixiyo oo la maansheeyey isagii iyo intii la jirtay, dhulkiina u-hadheen oo dageen banii-Israa‘iil inta yaboohii Eebbe ee soo uruurintooda laga gaadhi, Qur’aanka Eebbaa Xaq kusoo dejiyey, Xaq buuna kusoo dagay Nabiguna waa bishaareeye diga, soo-dejinta Qur’aankuna hal mar ma ahayn ee wuxuu soo degayey saddex-iyo-labaatan sano; saddex-iyo-toban sano Makka ah iyo toban sanoo Madiina ah, si dadka loogu akhriyo kaadsiinyo iyo inyar inyar, waana xikmadda iyo naxariista Eebbe illeen hadduu hal mar soo dego siday gaaladu codsadeen waa lagu dhibboon lahaa. Waxaase loo baahan yahay raacidda Qur’aanka, ku-dhaqankiisa, barashadiisa, ugu-yeedhiddiisa, si loo liibaano, illeen waa Xaqii Eebbaheenna wayn soo dejiyaye. Al-Israa’ (101-106)

 

  1. Waxaad dhahdaa rumeeya Qur’aanka ama ha rumeynina kuwa la siiyey cilmiga [kuwa fiican] marka lagu akhriyo korkooda waxay u-dhacaan wajiga iyagoo sujuudi.
  2. Waxayna dhihi, “Waxaa nazahan Eebbahanno ee yabooha Eebbahanno waa la fali [imaan].”
  3. Waxayna u dhacaan wajiga iyagoo ooyi wuxuuna u-kordhiyaa [Qur’aanku] khushuuc.
  4. Waxaad dhahdaa, “Ama ku barya Ilaah, ama ku barya Raxmaan, wax kasta ood ku baridaan wuxuu leeyahay magacyo fiican,” ee hala qayliyina akhriskaaga [salaadda] hana qarsan ee doon jid u-dhexeeya arrintaas [dhexdhexaad].
  5. Waxaadna dhahdaa, “Mahad Eebbaa iska leh een yeelanin ilmo, una sugnayn shariik xukunkiisu [la-wadaage] una sugnayn gargaare dulli dartiis [uga gargaara],” ee waynee waynayn [sharrif].

 

Gaalase ama ha rumeeyeen Qur’aanka ama ha beeniyeen, waxaana rumeeyey oo sujuud la dhacay markii lagu akhriyey kuwii fiicnaa ee cilmiga lahaa ee Xaqa rumeeyey ee ehlu-Kitaabka ahaa, iyagoo waynayn Eebbe rumayn yaboohiisa, ooyina iyagoo sujuudi oo khushuuci, gaaladiina waxay nici jireen magaca Eebbe ee Raxmaan ah markaasaa Eebbe u-caddeeyey Muslimiinta inay Eebbe ku baryi karaan magacyadiisa ama Alle ama Raxmaan illeen magacyo badan oo fiican yuu leeyahaye, wuxuuna Nabiga ku faray inuusan ku qayliyin oo kor u-qaadin akhriska salaadda hoosna u-dhigin ee si dhexdhexaad ah u-akhriyo, kuna mahdiyo Eebbahaan yeelanin ilmo, wax la wadaaga xukunkana jirin iyo uga gargaare dulli, una wayneeyo siduu muto, Eebbaa wayn oo awood leh, wax la wayneeyana ah, wax cibaado, xukun, caddaalad, sharci, maamul, iyo wanaag la wadaaga ama u-kaalmeeyana ma jiro, waxa kasoo hadhay dhammaan waa masaakiin tabar-yar oo naxariista Eebbe hoos-joogta sugina. Al-Israa’ (107-111)

 

Suurat al-Kahf

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Mahad Eebbaa iska leh Eebbaha kusoo dejiyey addoonkiisa [Nabi Muxammad ah] Kitaabka [Qur’aanka] oon yeelinna dhexdiisa qallooc.
  2. Waana toosan yahay si uu ugaga digo ciqaab daran oo Eebbe xaggiisa ka ahaatay, uguna bishaareeyo mu‘miniinta fala wanaagga inay muteen ajir fiican.
  3. Kuna nagaanayaan [Jannada] waligood.
  4. Ugana digo kuwa yidhi, “Wuxuu yeeshey Eebbe ilmo.”
  5. Uma laha wax cilmi ah iyaga iyo aabbayaalkood midna, waxaana waynaatay kalimad kasoo baxday afafkooda, mana dhahayaan waxaan been ahayn.

 

Suuraddu waxay soo degtay mar gaaladii Qureysheed ee Makkaad u-tageen qaarkood Yuhuuddii Madiino warsadeenna xaalka Nabiga oy Yuhuudna ku tidhi, “Waydiiya saddex arrimood hadduu idiin sheegana waa Nabi xaq ah, waydiiya dhalinyaro mar hore jirtay xaalkoodii, nin wada maray adduunka bari iyo galbeed, iyo ruuxda.” Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ruuxii xifdiya tobanka aayadood ee hore ee Suuratul Kahfi waxaa laga dhawraa Dajjaal.” Waxaa wariyey Muslim. Aayaduhuna waxay caddayn in mahad Eebbe muto, Qur’aanka toosanna kusoo dejiyey Nabiga, si uu uguna digo, uguna bishaareeyo, gaaladuna wax cilmi ah uma leh xumaantay Eebbe ku sheegi ee waxay ku hadli been iyo waxaan jirin. Al-Kahf (1-5)

 

  1. Waxaad u dhawdahay inaad ku [halaagto] naftaada Nabiyow raadkooda [gadaashooda] haddayna rumeyn Qur’aankan, walbahaar dartiis.
  2. Waxaan ka yeellay waxa dhulka korkiisa ah quruxdiisa, si aan u-imtixaanno midkooda fiican camal.
  3. Waxaana ka yeelaynaa waxa korkeeda ah bannaan aan wax kasoo bixin.
  4. Ma waxaad u-malaysay [Nabiyow] godkii asxaabtiisii [dadkiisii] iyo Kitaabkii [iyo looxii] inay ugu yaab badan tahay aayaadkannaga.
  5. Waa markay u-dummeen dhallin-yaradu godka oy dhaheen, “Eebbow naga sii agtaada naxariis noona darab amarkannaga hanuun.”
  6. Markaasaan ku siidaynay hurdo godka dhexdiisa sanooyin badan.
  7. Markaasaan soo bixinnay si aan u-muujinno labada xizbi midkooda kobid badan intay nagaadeen muddo.

 

Wuxuu Eebbe halkan ku calool-adkaysiin kuna samirsiin Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) isagoo u-tilmaami inuusan waxba walbahaar isugu badin hadday gaaladu rumeyn waayeen Qur’aanka, illeen Eebbe imtixaan yuu u-abuuray waxa dhulka korkiisa ahe, iyo in la eego kan camal fiican, Eebbaana halaagi waxa dhulka ku kor nool. Qisada Asxaabul Kahfina wax la-yaab leh ma aha waxayse ahaayeen dhallinyaro hanuuntay oo Eebbe warsaday toosnaan markaas Eebbe seexiyey godka sanado badan, kadibna Eebbe soo bixiyey si loo muujiyo cidda koobtay intay nagaadeen. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Adduunyadu waa macaan cagaaran, Eebbana wuu idinku reebay isagoo fiirin waxaad camal fashaan ee ka dhawrsada adduunyo, kana dhawrsada ragow haween, illeen fidmadii ugu horaysay banii-Israa‘iil waxay ahayd haweeneey ee.” Aayaduhuna waxay ku tusin dhawrka iyo diiddada xumaanta iyo in ciddii dan Eebbe u camal fasha uu Eebbe faraj u-furi, guushana ku dambeysiin, iyo wanaagga adkaysiga iyo samarka. Al-Kahf (6-12).

 

  1. Annagaa kaaga qisoon warkooda si xaq ah, waxay ahaayeen dhallinyaro rumeeyey Eebbehood, waxaana u-siyaadinnay hanuun.
  2. Waxaan xoojinnay [oon adkaynay] quluubtooda, oyna dhaheen, “Eebbehanno waa Eebbeha samaawaadka iyo dhulka, baryina mayno [caabudi mayno] ilaah kasoo hadhay, waxaan ku hadalnay markaas hadal xun [oo baadil ah].”
  3. “Kuwaasu waa qawmkannagii, waxay yeesheen Eebbe ka-sokow ilaahyo, mey u-keenaan korkooda wax xujo cad ah, yaase ka dulmi badan ruux ku abuurtay Eebbe dushiisa been?”
  4. “Markaad ka fogaataan gaalada iyo waxay caabudi oo Eebbe kasoo hadhay u dunma godka wuxuu idiin fidin Eebbihiin naxariise idinkana darbi amarkiinna waxaad ku istareexdaan kuna kala-saartaan xumaanta iyo wanaagga.”

 

Aayadahan waxay sharxi qisada Asxaabul Kahfi. Ibnu Kathiir wuxuu yidhi, “Eebbe wuxuu sheegay inay dhalinyaro ahaayeen, iyagaana Xaqa ka aqbali og kagagana hanuunin og jidka odayada ku madax-taagay kuna dabbaashay baadilka, saas darteed yey kuwii u badnaa ee ajiibay Eebbe iyo Rasuulkiisa ahaayeen dhallinyaro, odayadii Qureysheedse intoodii badnayd waxay ku hadheen diintoodii.” Eebbana wuxuu sheegay inay ahaayeen dhallinyaro rumeysan Xaqa, qalbigoodana Eebbe Xaqa ku sugay, Ilaah mooyee aan wax kalena u-jeedsan, kana leexday jidkii xumaa ee qawmkoodii, dar Eebbana u tegay godkana u aaday, Eebbana xoojiyey waafajiyeyna wanaagga. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxay u dhawdahay inay noqoto xoolo kan ugu khayr-roon adhi uu ku raaco buuraha iyo roobka isagoo kala carari Diintiisa fitnada.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Abuu Daawuud. Al-Kahf (13-16)

 

  1. Waxaad arkaysaa qorraxda oo markay dhalato uga iilan godkooda xagga midig, markay dhicina ka goyn xagga bidix iyagoo ku sugan meel waasac ah oo godka, taasina waxay kamid tahay aayaadka Eebbe, ruuxuu hanuuniyo Eebbe un baa hanuunsan, ruuxuu dhumiyana u-heli maysid gargaare hanuuniya.
  2. Waxaad u-malayn inay soo jeedaan iyagoo jiifa, waxaana u-gadgaddin midig iyo bidix, eygoodiina wuxuu ku fidin dhudhumadiisa albaabka, haddaad aragto waad ka jeedsan lahayd, adoo carari waxaana lagaa buuxin lahaa xaggooda argaggax.
  3. Saasaana usoo bixinnay inay is-warsadaan dhexdooda, wuxuu yidhi mid kamid ah, “Imisaad nagaateen?” Waxay dheheen, “Waxaan nagaannay maalin ama maalin qaarkeed,” waxay dheheen “Eebbeheen baa og waxaad nagaateen ee la dira midkiin lacagtan xagga magaalada, hana soo fiiriyo cid cunno xalaalaysan [cidda ugu cunno xalaalsan] hana idiinka keeno rizqi hana is-qariyo [oo is-tartiibiyo] yuuna idin ogeysiin xaggooda ruuxna.”
  4. “Iyagu hadday idin arkaan way idin dhagaxyeyn, ama idinku celin diintooda, mana liibaanaysaan markaas waligiin.”

 

Naxariista Eebbe darteed waxay ahaayeen kuwo laga dhawray kulaylka qorraxda oy ka maraysay dhinaca dhalasho iyo dhinaca dhicidda, arrintaasna waa aayaadka Eebbe, waxaana hanuuni ruuxii Eebbe waafajiyo, kii kalana ma helo hanuuniye Eebbe kasoo hadhay, qudrada Eebbe way soo jeedeen iyagoo la moodo inay hurdaan, waxay u-gadgaddoomayeen midig iyo bidix, eygoodina irridduu jeenyaha ku fidiyey, ciddii aragtana way cabsan lahayd oo carari lahayd, markaasaa Eebbe soo bixiyey iyagoo is-warsan intay noolaayeen oyna mid kamid ah magaalada u-direen isagoo lacag wata si uu cunno xalaal ah ugu soo gado isagoo is-qarin, illeen waxay ka yaabi in gaaladay ka carareen joogaan oo dilaan ama xoog diintooda ku galiyaan oy khasaaraan. Taasina waxay ku tusin naxariista Eebbe iyo awooddiisa iyo inuu falo wuxuu doono. Al-Kahf (17-20)

 

  1. Saasaan u-daalacsiinnay [u tusinnay] dadka si ay u-ogaadaan in yabooha Eebbe Xaq yahay, Saacadda [Qiyaamana] aan shaki ku jirin [waxaan tusinnay] markay ku murmeen dhexdooda amarkooda, oy [isku] dheheen, “Ka dhisa korkooda dhismo, Eebbahood baa og iyagee,” waxay dheheen kuwii ku raayay amarkooda, “Aan ka yeelanno korkooda masaajid.”
  2. Waxay dhihi, “Waxay ahaayeen saddex waxaana afreeyey eygoodii,” waxay dhihi, “Waxay ahaayeen shan waxaana lixeeyey eygoodii,” iyagoo iska gani wax maqan [iska dhihi cilmi-la‘aan] waxay dhihi, “Waxay ahaayeen toddobo waxaana siddeedeeyey eygoodii.” Waxaad dhahdaa, “Eebbahay baa og tiradooda, mana oga wax [dad] yar mooyee,” ee hakula murmin xaalkooda muran muuqda oo fudud mooyee, hana waydiin xaggooda ruuxna.

 

Waxay keentay xikmadda Eebbe in la arko dhallinyaradaa si loo ogaado in yabooha Eebbe Xaq yahay, Qiyaamadana aan shaki ku jirin, markay arkeen oy kadibna dhinteen yey ku murmeen in ardaagooda wax ku dhisaan waxaase raayay kuwii rabay in masaajid lagu dhiso. Tan kale waxaa lagu murmay tiradooda intay ahayd, cid ogna ma jirto Eebbe mooyee. Taasooy kuwo dheheen waxay ahaayeen saddex iyo eygoodii, kuwana shan iyo eygoodii, kuwana toddoba iyo eygoodii, Eebbaase og intay ahaayeen, cid ogna ma jirto wax yar mooyee, in lagu murmana ma habboona si fudud oo wax is-tus ah mooyee, cid ehlu-Kitaabka ahna waxba lagama warsado. Qisadana waxaa loo baahan yahay ruuxii mu‘min ah inuu si fiican u-rumeeyo una hoggaansamo, illeen Eebbe wax walba wuu karaaye marba hadduu Eebbe abuuray cirka, dhulka iyo khalqiga kalaba awooddiisu xad ma leh, wuxuu doonana wuu falaa, kuwa shakin arrimahan oo kalana waa kuwo caqli yar oo wax walba ku-eegi muraayadahooda aragga gaaban ama aragga xumaysa. Tan kale waxay ku tusin in Xaqa iyo ehelkiisu hadho xumaanta iyo ehelkeeduna tago. Al-Kahf (21-22)

 

  1. Haku dhihin, “Shaygaasaan fali barri.”
  2. [Adoon dhihin] “Hadduu doono Eebbe.” Xusna Eebbahaa haddaad halmaanto, waxaadna dhahdaa “Wuxuu u dhawyahay inuu igu hanuuniyo Eebbahay wax ka dhaw kaas oo toosni ah.”
  3. Waxay ku nagaadeen godkoodii saddex boqol oo sano waxayna siyaadsadeen sagaal.
  4. Waxaad dhahdaa, “Eebbaa og waxay nagaadeen, waxaa u-sugnaaday waxa ku maqan samooyinka iyo dhulka, arki ogaa oo maqli ogaa Eebbe, umana sugnaanin dadka isaga ka-sokow gargaare lamana wadaajiyo xukunkiisa cidna.”

 

Eebbe wuxuu ku hanuuniyey Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) aadaab fiican oo ah inuusan dhihin waxaasaan fali isagoon raacinin hadduu Eebbe doono, mu‘miniintana saasaa laga rabaa, waana in had iyo jeer la xusaa Eebbe si halmaanshaha Shaydaanka looga fogaado, hanuunkana Eebbe la warsadaa. Dhallinyaradii Asxaabul Kahfina intay ku nagaadeen godka Eebbaa og waana muddadaas Eebbe sheegay, illeen Eebbaa og waxa maqan arkana maqlana, dadkana wax gargaare ah oo Eebbe kasoo hadhay ama xukunka la wadaaga ma jiraan. Eebbana isagaa Sayid awood leh ah, xukun, dil, dayn, irzaaqid, naxariis, xoog iyo tasarruf dhammaantiisna isagaa iska leh, wax kula wadaaga cirka iyo dhulka iyo waxa u-dhexeeyana ma jiro, saas darteed waa in dhab ahaan loo caabudo, loona hoggaansamo, sharcigiisana lagu dhaqmo, xagga xukunka, mucaamalada, akhlaaqda iyo nolosha dhammaanteedba. Al-Kahf (23-26)

 

  1. Akhri [oo raac] waxa laguu waxyooday oo Kitaabka Eebbahaa ah, wax baddali kalimooyinkiisana ma jiro, mana heleysid wax ka sokeeya ood magan-gashid.
  2. Ee ku samirsii naftaada la-jirka kuwa baryaya Eebbahood aroor iyo galabba, iyagoo dooni Wajigiisa, yeyna ka iilanin indhahaagu xaggooda adoo dooni quruxda nolosha dhaw [ee adduun] hana adeecin ruuxaan halmaansiinnay qalbigiisa xusiddannada oo raacay hawadiisa uuna ahaaday amarkiisu xad-gudub [iyo xumaan].
  3. Waxaad dhahdaa, “Xaqu Eebbihiin buu ka ahaaday ee ciddii doonta ha gaalowdo,” annagu waxaan u-darabnay daalimiinta Naar oy koobtay iyaga [barxaddeedu] iyo darbigeedu, hadday kaalmo warsadaanna waxaa loogu kaalmeeyaa biyo daamuur oo kale ah oo duba wajiyada, iyagaa u xun cabbid iyadaana u xun dangiigsi.

 

Eebbe wuxuu faray Nabigiisa inuu akhriyo Kitaabka Qur’aanka ah dadkana gaadhsiiyo, wax baddali karana ma jiro, meel la magan-galoo Eebbe kasoo hadhayna ma jirto. Waxaa kaloo Eebbe faray Nabiga inuu la noolaado mu‘miniinta baryi Eebbahood had iyo jeer kana iilanin indhihiisu isagoo dooni nolosha adduunyo, uusan maqlin kuwa qalbigooda la halmaansiyey xuska Eebbe oo hawadooda xun raacay xadna gudbay, Xaquna waa cad yahay ee ciddii doonta ha raacdo tii doontana ha gaalowdo, waxaa uun gaalo loo darbay cadaab daran oo gubee. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Qawmkii kulma iyagoo xusi Eebbe oo Wajigiisa dooni waxaa looga dhawaaqaa circa, ‘Kaca waa laydiin dambi-dhaafaye, wuxuuna ku baddalay xumaantiinna wanaage.’” Imaam Axmed. Al-Kahf (27-29)

 

  1. Kuwa rumeeyey [Xaqa] oo camal fiican falay annagu ma hallayno ciddii wanaajisa camalka.
  2. Kuwaas waxay mudan Jannada Cadni oo dureeri dhexdeeda wabiyaal, looguna labbisi dhexdeeda jijimo dahab ah, una xidhay maryo cagaaran oo xariir jilicsan iyo mid adagba, waxayna ku dangiigsan dhexdeeda sariiro korkood, waa abaal-marin fiican una wanaagsan meel lagu [istareexo] laguna nasto.
  3. Uga yeel tusaale labo nin oon u-yeellay midkood laba beerood oo cinab ah, kuna koobnay timir yeellayna dhexdeeda tallaal [beer].
  4. Labada beeroodba oy keentay cunnadeedii, oyna waxba nusqaamin, oon kana dhambalay dhexdeeda wabiyo.
  5. Midhana uu leeyahay oo markaas ku yidhi saaxiibkiis asagoo hadalka ku celcelin, “Anaa kaa xoolo badan kaana tol badan.”
  6. Wuxuu galay beertiisii isagoo dulmiyey naftiisa, wuxuu yidhi, “Uma malaynayo inay halaagsami waligeed.”
  7. “Umana malaynayo in Saacadda [Qiyaame] kici, haddii lay celiyo xagga Eebbahayna waxaan ka heli mid ka khayr-roon noqoshada.”

 

Kuwa Xaqa rumeeyey oo wanaagga falay waxa fiican ee Eebbe u-darbay wax badan yuu Qur’aanku ka warramay, halkan arrintaas yaa ku cad. Aayadaha kale waxay ka qisoon laba nin oo midkood beera badnaa uguna faanay saaxiibkiis inuu ka xoolo iyo dad badan yahay isagooy yaab galisay beertiisu, iyo waxa ka baxay oo midha ah iyo waxa dhex socda oo biyo ah. Intuu ka inkiro oo ka gaaloobo dhicidda Qiyaamada. Mana habboona in nicmada Eebbe la qaabiliyo diiddo, gaalnimo, faan iyo kibir ee waa in Eebbe lagu aqoonsado laguna mahdiyo looguna kaalmaysto cibaadada Eebbe. Qataade wuxuu yidhi, “Taasi wallee waa yididiillada faajirka, xoolo badni iyo qaraabo xoog leh.” Al-Kahf (30-36)

 

  1. Wuxuu yidhi saaxiibkiisii isagoo la hadli, “Ma waxaad ka gaalowday Eebbaha kaa abuuray carro, haddana dhibic markaas ku ekeeyey adoo nin ah?”
  2. “Hasa yeeshee Ilaahay waa Eebbahay lana wadaajin maayo Eebbahay [cibaadada] cidna.”
  3. “Maxaadan markaad gasho beertaada u-dhihin, ‘Maa shaa’ Allaah [wuxuu doone Eebbe], xoog ma jiro kan Eebbe mooyee?’ Haddaad aragtay anoo kaa yar adiga xoolo iyo carruurba.”
  4. “Wuxuu u dhawyahay Eebbahay inuu i siiyo wax ka khayr badan beertaada, kuna diro korkeeda aafo samo, oy markaas ahaato bannaan lagu simbiririxoodo.”
  5. “Ama ahaadaan biyaheedu kuwa gudha oodan karin doonid [soo celin].”
  6. Waa la koobay midhihiisii [la halaagay] oo ahaaday kii gaddin gacmihiisa wuxuu ku bixiyey iyadoo ku dhacday darbiyadeeda, isagoo leh “Shalleytee maanan la wadaajin Eebbahay cidna.”
  7. Uma ahaanin koox u-gargaarta oo kasoo hadhay Eebbe mana aha mid gargaarta.
  8. Halkaas [Qiyaamada] yey awooddu u-ahaan Eebbaha Xaqa ah, isagaana khayr-roon abaal-marin, khayr-roonna cidhib.

 

Saasay kala yihiin Muslim iyo gaal, waxaa inoo soo hor-maray warkii gaalka iyo wuxuu ku abaal-mariyey nicmada Eebbe, mu‘minkiina waa kan xusuustay sida Eebbe u-abuuray ninna uga dhigay, iyo inayna habboonayn in cibaadada wax lala wadaajiyo, iyo Eebbe lagu mahdiyo nicmadiisa awooddana loo qiro, oon laguna faanin xoolo iyo carruur, illeen Eebbaa halaagi kara oo tirtiri karee, waxaana lagu abaal-mariyey gaalkii faanayey in la halaagay beertiisii oo uu shallaytooday wuxuu ku bixiyey, uuna qoomamooday waqti ayana wax tarayn qoomamo wax u-gargaarana uusan jirin, isna gargaaran karin, xukunka iyo awooddana Eebbaha Xaqa ah yaa leh maalinta Qiyaame. Rasuulku (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Abuu Hureyrow ma ku tusiyaa kanzi kamid ah kanziyada Jannada?” Markaasuu yidhi, “Haa, aabbahay iyo hooyaday ha lagugu furtee.” Markaasuu yidhi, “Waa inaad dhahdo, ‘Xoog ma jiro Eebbe mooyee.’ Wuxuuna dhihi Eebbe, ‘Wuu islaamay addoonkaygii wuuna hoggaansamay.’” Waxaa wariyey Imaam Axmed. Al-Kahf (37-44)

 

  1. Uga yeel [Nabiyow] tusaale nolosha adduunyo biyo oo kale oon kasoo dejinnay samada oo isku darsamay waxa kasoo baxay dhulka oo markaas noqday ingayg kala firdhiso dabayluhu, wuxuuna ahaaday Eebbe kii wax kasta kara.
  2. Xoolaha iyo wiilashu [carruurtu] waa quruxda nolosha adduunyo, kuwa hadha ee wanaagsan yaa ku khayr-roon Eebbahaa agtiisa abaal-marin una khayr-roon yididiillo [camalka fiican].
  3. Xus maalinta aannu kaxayn buuraha ood arkayso dhulka oo muuqda, oon soo kulminnay dadkii oonan ka tagin cidna.
  4. Waxaana loo bandhigi dadkii Eebbahaa iyagoo saf ah, “Dhab ahaan yaad noogu timaaddaan saan idiin abuurnay markii horaba,” [yaa lagu dhihi] “Waxaadse sheegateen inaanaan idiin yeelayn ballan [kulan ah].”
  5. Waxaana la dejin [keeni] kitaabkii [camalka] waxaadna arkaysaa dambiilayaashii oo ka cabsan waxa ku sugan oo dhihi, “Halaaganee muxuu leeyahay kitaabkan oosan uga tagayn wax yar iyo wax wayn ee uu koobay?” Wayna heli waxay camal faleen oo jooga, mana dulmiyo Eebbahaa cidna.

 

Aayado badan yaa ka warramay adduunyada iyo say ku dambeyn iyo inay habboon tahay inaan lagu kadsoomin, xoolo iyo carruurna waxba kama taraan Eebbe agtiisa, ee waxaa wax tara camalka fiican ee hadhi, maalinta Qiyaame ee buuraha la kaxayn dhulkuna bannaan noqon ee dadka lasoo kulmin cidna lagama tagayo, dadkuna way imaan iyagoo safan sidii Eebbe ugu abuuray oo kale, inkastooy gaaladu diideen, waxaadna arki maalintaas dambiilayaasha oo cabsan oo calaacali iyagoo sheegi inuusan kitaabka camalka lagu qoro wax yar iyo wax wayn midna ka tagayn, cid walbana heli waxay camal fashay oo jooga, isagoon Eebbe cidna dulmayn. Waxaana sugnaatay in Eebbe soo kulmin dadka Qiyaamada una dhawaaqi iyagoo wada maqli laysuna qisaasi xataa dharbaaxada, waxaana loo kala qaadi khayrka iyo sharka. Al-Kahf (45-49)

 

  1. [Xusuuso] markaan ku nidhi malaa‘igta, “U-sujuuda Aadam,” oo ay sujuudeen Ibliis mooyee, wuxuu kamid yahay jinniga wuxuuna ka faasiqoobay [baxay] amarka Eebbe, miyaad ka yeelanaysaan isaga iyo faraciisa gargaare Ani ka-sokow iyagoo col idiin ah? Waxaa u xun daalimiinta baddelkooda [Ibliis].
  2. Marag ugama dhigin kuwaas abuurka samooyinka iyo dhulka iyo abuurka naftooda, mana ihi mid ka yeelan baadiyayaalka kaalmo.
  3. [Xusuuso] maalinta Eebbe dhihi, “U-yeedha kuwaad ila wadaajiseen [cibaadada] ood sheegteen [adduunka],” markaasay u-yeedheen mana ajiibin [u-jawaabin] waxaana yeellay dhexdooda meel halaag.
  4. Waxayna arkaan dambiilayaashu Naarta waxayna yaqiinsan inay ku dhici mana helayaan xaggeeda meelay uga iishaan.
  5. Dhab ahaan yaan ugu caddaynay Qur’aankan dadka tusaale kasta, waxayna ahaadeen dadkii kuwo muran badan.

 

Ibliis iyo madax-adayggiisa iyo siduu dadka u-duufsaday Xaqa iyo amarka Eebbana u-diiday wax badan yuu Qur’aanku soo celceliyey si looga digtoonaado, wax Eebbe la maamula xukunka ama uu abuuridda marag uga dhigan ma jiro, Qiyaamadana Ibliis iyo kuwii caabudi jiray oo warkiisa maqlay wax isuma taraan, waxayna yaqiinsan inay halaagsami meelay uga leexdaanna ayna helayn. Qur’aankana wax badan yuu Eebbe ku celceliyey waano iyo tusaale waxayse noqdeen dadkii muran badane. Xasan -al-Basri wuxuu yidhi, “Ibliiska kamid ma noqon malaa‘igta il-bidhiqsi, waase asalka jinniga, sida Aadanba u-yahay asalka dadka.” Waxaa wariyey Ibnu Jariir. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu subax toosiyey Sayid Cali iyo Faadumo kuna yidhi, “Miyeydaan tukaneyn?” Markaasuu Sayid Cali yidhi, “Rasuulka Eebbow naftannada Eebbaa maamula markuu na kiciyo yaannu kacaynaa.” Markaasuu jeedsadey Nabigii isagoo akhrin aayadda, “Wuxuu noqday dad wax walba ka muran badane.” Waxaa wariyey Bukhaari, Muslim iyo Imaam Axmed. Al-Kahf (50-54)

 

  1. Wax ka reebay dadka inay rumeeyaan markuu u-yimid hanuunku oy dambi-dhaaf warsadaan Eebbahood ma jiro oon ahayn [sugid] inay u-timaaddo waddadii kuwii hore, ama ugu yimaado cadaab caddaan.
  2. Mana dirro Rasuullada iyagoon bishaarayneyn oon digayn, waxayna ku murmi kuwii gaaloobay xumaan inay ku buriyaan Xaqa, waxayna ka yeesheen aayaadkeygii iyo wixii loogu digay jeesjees.
  3. Ruuxna kama dulmin badna cid lagu waaniyey aayaadka Eebbihiis markaas ka jeedsaday xaggeeda oo halmaamay waxay hor-marsadeen gacmihiisu, waxaan yeellay quluubtooda dabool inayan fahmin Qur’aanka, dhagahoodana culays, haddaad ugu yeedho hanuunkana ma hanuunayaan waligood.
  4. Eebbahaa waa dambi-dhaafe naxariis leh, hadduu u-qaban dadka waxay kasbadeen [oo xumaan] wuxuu u-dadajin cadaabka, waxayse leeyihiin ballan oyna helayn meelay uga iishaan.
  5. Taasi waa magaalooyinkii oon halaagnay markay dulmi faleen waxaana u-yeellay halaaggoodii ballan [waqti].

 

Gaalada waxaa Xaqa rumeyntiisa ka reebay kibir iyo inay maraan waddadii kuwii hore inta cadaab ugaga yimaado, Rasuulladana waxaa loo diray bishaarayn iyo digid. Gaalse muran iyo Xaqooy ku tirtiraan xumaan iyo jeesjees waxaan ahayn ma rabaan. Dulmina wuxuu ku dhan yahay ruux Qur’aanka lagu waaniyey oo halmaamay waxay hor-marsadeen gacmihiisu oo xumaan ah, illeen qalbigoodaa ka daboolan inay fahmaan, dhagana waa ka culus yihiin mana hanuunaan. Eebbaase dambi-dhaaf iyo naxariis leh, hadduu dadka u-qaban waxay kasban oo xumaan ah wuxuu usoo dadejin lahaa ciqaabta, wuxuuse u-yeelay waqti ayan meella uga bixi karin, raadkii ummadihii hore ee la halaagayna waa muuqdaa markay xumaanta faleen waxaana loo yeelay halaaggooda waqti xaddidan. Xaqoo la diido, ku-jeesjeeskiisa, waanadoo laga jeedsado, iyo xumaanta oo dhanba waxay sababi ciqaab iyo halaag ee waa in laga digtoonaado lagana fogaado. Al-Kahf (55-59)

 

 

  1. [Xusuuso] markuu ku yidhi [Nabi] Muuse yarkiisii [ardaygiisii] “Ma joogayo intaan ka gaadho kulanka labada badood, amaan socdo muddo.”
  2. Markay gaadheen kulankooda waxay halmaameen kalluunkoodii oo ka dhigtay waddadiisa badda dhexdeeda god oo kale.
  3. Markay tallaabeen yuu ku yidhi khaadimkiisii, “Ina sii qadadeenna waxaan kala kulannay safarkeenna daale.”
  4. Wuxuu yidhi [yarkii] “Ka warran markaan u-dumannay dhagixii inaan halmaamay kalluunkii wax i halmaansiiyey oon Shaydaan ahayn inaan xusuusto ma jiro, wuxuuna ka dhigtay waddadiisa badda la yaab.”
  5. Wuxuu yidhi [Nabi Muuse] “Kaasi waa kaan doonaynay,” waxayna ku noqdeen raadkoodii iyagoo raaci.
  6. Waxayna ka heleen addoon kamid ah addoomadannada oon siinnay naxariis agtannada ah ka barneyna agtannada cilmi.

 

Waxay ahayd qisadu in Nabi Muuse loo sheegay in nin yaqaanna wuxuusan aqoonin uu joogo meelay labada badood ku kulmaan: tan Ruum iyo Faaris, ama Afrikada Waqooyi, saasayna u-qaateen sahay kalluun, markay meel marina halmaameen kalluunkii markay xusuusteenna kusoo noqdeen, halkaasna kula kulmeen addoon Eebbe oo suubban, Khadir. Waxayna ku tusin qisadu waynida awoodda Eebbe iyo inuu wax walba karo, in cilmiga loo safro oo had iyo jeer la kororsado, oon la dhihin waan waynahay ama wax baan aqaan, day Nabi Muuse iyo ardaygiisaba, inayna jirin cid wax walba og oon Eebbe ahayn, Eebbana wuu canaantaa oo imtixaamaa cidduu doono siduu Nabi Muuse ku falay markuu cilmi sheegtay, in ogaanshaha iyo cilmiguba Eebbe agtiisa yihiin cidduu doonana baro. Al-Kahf (60-65)

 

  1. Wuxuu ku yidhi Muuse, “Ma ku raaci karaa inaad i bartid waxa lagu baray oo hanuun ah?”
  2. Wuxuuna ku yidhi [Khadir] “Adigu ma karaysid la-jirkayga samir.”
  3. “Seed ugu samri waxaadan koobin cilmi [aqoon]?
  4. Wuxuu yidhi [Muuse] “Waad i heli hadduu Eebbe doono mid ku samra oon kuguna caasiyin arrin.”
  5. Wuxuu yidhi, “Haddaad i raacdo hay waydiinin waxba intaan kaaga sheego [warramo].”
  6. Way tageen intay ka koreen markab oo uu rujiyey [loox] markaas uu yidhi, “Ma waxaad u-rujisay inaad dadkeeda maansheyso? Waxaad la timid arrin la kahdo.”
  7. Wuxuu ku yidhi, “Miyaanan ku dhihin adigu ma karaysid la-jirkayga samir.”
  8. Wuxuu yidhi [Muuse] “Ha ii qabanin waxaan halmaamay hana igu mashaqayn amarkayga si dhib ah.”
  9. Way tageen intay kala kulmaan wiil [yar] markaasuu dilay, markaasuu yidhi Muuse, “Ma waxaad dishay naf daahir ah oon naf dilin, waxaad la timid shay la kahdo.”
  10. Wuxuu yidhi, “Miyaanan kuu dhihin adigu ma karaysid la-jirkayga Samir?”
  11. Wuxuu yidhi, “Haddaan ku warsado wax tan dabadeed hayla saaxiibin waxaad gaadhay garowsho xaggayga ahe.”

 

Way is-raaceen Muuse iyo Khadir in Muuse wax la baro, taasina ceeb ma aha in cid wax ka qarsoomo oo ka barto cid kale haba ka waynaadee, hase yeeshee waxyaaluhuu sameeyey Muusana kula yaabay sida markabka looxa uu ka bixiyey iyo yarka uu dilay, had iyo jeerna wuxuu dhahaa, ‘Uma adkeysan kartid la socodkeyga.” Arrimaha Eebbe iyo xikmaddiisa yaana wax walba ka sarreeya. Al-Kahf (66-76)

 

  1. Way tageen intay ka yimaadaan magaalo oy warsadaan cunno dadkeeda wayna diideen inay marti-galiyaan waxayna heleen darbi dooni inuu dumo markaasuu joojiyey wuxuuna yidhi, “Haddaad doonto waxaad ka yeelan lahayd ujuuro.”
  2. Wuxuu yidhi, “Kan waa kala-taggii dhexdeenna, waxaana kaaga warrami fasiraadda waxaadan karin inaad ku samirto.”
  3. “Markabka waxaa lahaa masaakiin ka shaqqeeya badda waxaana doonay inaan ceebeeyo waxaana ahaa hortooda xaakim ka qaata doon kasta [oo fayow] dhaca.”
  4. “Wiilkana waxay ahaayeen labadiisii waalid mu‘miniin waxaana ka cabsannay inuu ku mashaqeeyo xad-gudub [iyo gaalnimo].”
  5. “Waxaana doonnay inuu ugu baddalo Eebbahood mid ka khayr-roon daahirnimo iyo u dhawi naxariis.”
  6. “Darbigana waxaa leh labo wiil oo agoon ah oo magaalada, waxaana hoostiisa ah kanzi ay leeyihiin wuxuuna ahaa aabbahood mid suubban, wuxuuna doonay Eebbahaa inay gaadhaan xooggooda lana baxaan kanzigooda naxariista Eebbahaa dartiis, uma falin ra’yigayga kaasi waa fasirka waxaadan karin samirkiisa.”

 

Way socdeen Muuse iyo Khadir intay ka yimaadaan magaalo oyna warsadeen cunno. Wayna u-diideen markaasay arkeen darbi dhacaya waxaana toosiyey Khadir. Markaasuu yidhi Muuse, “Maad ujuuro ka qaadatid?” Markaasuu yidhi Khadir, “Halkan waa meeshaan ku kala-tagaynay, wuxuuna u-fasiray arrimihii uu soo mariyey oo ah in markabka masaakiin lahayd kuna dhawaa xaakim xoogga doonta fiican saasna u wax yeelleeyey. Yarkuna ma fiicnayn wuuna dilay si uusan u-gaalayn waalidka, darbigana agoon aabbahood wanaagsanaa yaa lahaa waxaana ku hoos-jiray kanzi si ay ula baxaan, arrimahaasna waxay ku dhaceen idanka Eebbe, taasina waxay ku tusin in Eebbe ogyahay maslaxadda iyo waxa wanaagsan dadkase waxaa la faray wanaag iyo camal fiican. Al-Kahf (77-82).

Qisadan kuma tusineyso in ay u-bannaan tahay qof inuusan ku dhaqmin sharciga Islaamka isagoo sheeganayo cilmi qarsoon oo la siiyay darteed, waayo Khadar wuxuu ahaa Nabi loo waxyoonayay sida uu u yidhi “Kama sameyn ra‘yigeyga,” waxaad ogtahay in aan Nabigeenna Nabi ka dambeyn; culumadana waxay ku xukmiyeen gaalnimo qofkii saas sheegta, mana jiro cilmi baadin iyo cilmi daahir.

 

  1. Waxay ku warsan Dul Qarnayn xaggiisa, waxaad dhahdaa, “Waxaan idinku akhrin xaggiisa war [waxyi].”
  2. Annagaa makaninay [siinnay] xukun dhulka waxaana u-siinnay wax kasta sabab [cilmi].
  3. Wuxuuna raacay waddo.
  4. Markuu gaadhay qorrax-u-dhacna wuxuu helay iyadoo ku dhici il dhoobo ah [muuqaalka] wuxuuna ka helay agteeda qawm, waxaana nidhi “Dul Qarnaynow waa inaad cadaabto ama ka yeelato wanaag.”
  5. Wuxuuna yidhi, “Ruuxii dulmi fala waannu cadaabi [ciqaabi] markaasaa loo celin Eebbihiis wuuna cadaabi cadaab daran.”
  6. “Ruuxiise rumeeya oo fala wanaag wuxuu mudan abaal fiican waxaana u dhihi amarkannaga fudayd.”
  7. Markaasuu raacay waddo.
  8. Markuu gaadhay qorrax-kasoo-baxna wuxuu helay iyadoo ku soo baxda qawm aanaan yeelin sokeydeeda asturaad.
  9. Waa sidaas, waxaana ku koobnaa waxa agtaada ah ogaansho.

 

Qisada Dul Qarnayn iyo in Eebbe siiyey xukun ballaadhay oo gaadhay bari iyo galbeed iyo waxyaaluhuu la kulmay waa in ruuxa Muslimka ah rumeeyaa illeen Qur’aankaa sheegay Eebbana wuxuu doono wuu falaa, waxaana Qur’aanka ka muuqata inuu ahaa nin wanaagsan oo Xaqa rumeeyey. Arrinta la sheegi oo ah inuu ahaa kii dhisay Iskandiriyada Masar oon mu‘min ahayn waxaa diidi waxaan soo sheegnay iyo in culimada Islaamku sheegeen inuu ahaa nin mu‘min ah oo joogay waqtigii Nabi Ibraahiim, mana wanaagsana in lagu dagdago taariikhda inta la yaqiinsado, mana bannaana in war kale laga hor-keeno Qur’aanka oo la dhaho saasuu sheegi Qur’aanku xaalkuna waa saas, ruuxa rumeeyey waa inuu raaco Qur’aanka kaan rumeynna loo sheego hadduu rumeeyana wanaag haddii kalana wuu khasaaray. Al-Kahf (83-91)

 

  1. Markaasuu raacay waddo.
  2. Markuu gaadhay labada xidhmo dhexdooda wuxuu ka helay hortooda qawm aan garanayn hadal [af gaar ah ku hadla].
  3. Waxayna dheheen, “Dul Qarnaynow, Ya’juuj iyo Ma’juuj waxay fasaadin dhulka ee ma kuu yeellaa ujuuro inaad yeesho dhexdannada xidheen jidaar.”
  4. Wuxuu yidhi, “Wuxuu i makaniyey [i siiyey] Eebbahay yaa ka khayr-roon ee iigu caawiya xoog aan yeelo dhexdiinna xidheene.”
  5. “I siiya goosimo bir ah,” markuu ekeeyey labada dhinac dhexdooda wuxuu yidhi, “Afuufa [buufiya]” markuu ka yeelay dabna wuxuu yidhi, “I siiya aan ku shubee maar la dhalaaliyey.”
  6. Mana karayaan inay kasoo kor baxaan [kasoo dhacaan] mana karayaan inay duleeliyaan.
  7. Wuxuuna yidhi, “Kan waa naxariis Eebbahay, markuu yimaado yabooha Eebbahayna wuxuu ka yeelaa burbur, yabooha Eebbahayna waa Xaq [sugan].”

 

Waxaa socotay qisadii Dul Qarnayn intuu ka gaadho jidaar xidhan oo ku ag nool yihiin dad af gaar ah ku hadli oon saas loo garanayn, kana cawday Ya’juuj iyo Ma’juuj oo ah kuwo fasaadin dhulka oyna ka codsadeen inuu jidaar adag dhex-yeelo oy waxna siiyaan wuxuuse u-sheegay in Eebbe siiyey wax ka roon waxooda kana codsaday inay xoog ku kaalmeeyaan una keenaan biro, markuu ekeeyeyna uu ku shubay maar iyo bir la dhalaaliyey kamana soo bixi karaan, waana naxariis Eebbe markuuse yimaado yabooha Eebbe wuu burburiyaa, waana Xaq yaboohiisu. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu ku yidhi xadiith dheer, “Waxaa dhexdiinna ah [Qiyaamada] laba ummadood oo waxay ahaadaanba badiya, Ya’juuj iyo Ma’juuj.” Waana waajib in la rumeeyo jiriddooda, hase yeeshee xaggee iyo sidee wax ma tarto. Al-Kahf (92-98)

 

  1. Waxaannu ka yeeli qaarkood maalintaas kii qaarka [kale] dhex-gali waxaana la afuufaa suurka waana soo kulminnaa kulmin.
  2. Waxaana u-bandhigaynaa Jahannamo maalintaa gaalada bandhig.
  3. Waana kuway indhahoodu yihiin dabool dhexdiis xagga xuskayga mana aha kuwo kara [maqalka] Xaqa.
  4. Ma waxay u-maleeyeen kuwii gaaloobay inay ka yeesheen addoomadayda iga sokow awliyo [oy caabudaan]? Waana u-darabnay Jahannamo gaalada dagid.
  5. Waxaad dhahdaa, “Ma idiin warramaa kuwa khasaaro badan camallo?”
  6. “Waa kuwuu dhumay camalkoodu nolosha adduun iyagoo isuna malayn inay wanaajin camalka.”
  7. Kuwaasu waa kuwa ka gaaloobay aayaadka Eebbahood iyo la-kulankiisa oo buray camalkoodu umana joojinno maalinta Qiyaame miisaan [qiimana ma leh].
  8. Kaasina waa abaalkoodii Jahannamo, gaalnimadooda darteed, waxayna ka yeesheen aayaadkayga iyo Rasuulladayda jeesjees.

 

Maalinta Qiyaame waa maalin dhibaato badan ciddii Eebbe ka fududeeyo mooyee, waana maalin la kulmin dadka oyna is dhex-qaadi iskuna wareeri, gaaladana lagu kulmin Naarta, kuwaasoo ah kuwa Xaqa ka indha-beelay oon maqlaynna, gaalada Eebbe ka-sokow waxay caabudaan yeeshayna waxaa loo darbay Naarta Jahannamo. Kuwa ugu khasaara badanna waa kuwa camalkoodu ku dhumay adduunka isuna malayn inay wanaag fali, kana gaaloobay Qur’aanka iyo la-kulanka Eebbe, wax qiima ahna loo yeeli maayo Qiyaamada, illeen way gaaloobeen ooy ku jeesjeeseen Qur’aanka iyo Rasuulkaba, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaa la keeni Qiyaamada nin wayn oo shilis oon u-miisaanmayn garab kaneeco.” Sacad binu Waqaasna waxaa laga wariyey, “Kuwa ugu khasaaro badan camal waa Yuhuud iyo Nasaaro.” Waxayna ku tusin in la digtoonaado oo la toosnaado. Al-Kahf (99-106)

 

  1. Kuwa rumeeyey [Xaqa] oo fala camal fiican waxay u-ahaatay Jannada Firdowso degid [martiqaad].
  2. Wayna ku waari dhexdeeda mana doonaan inay xaggeeda ka wareegaan [guuraan].
  3. Waxaad dhahdaa, “Hadday u-noqoto badda khad Kalimooyinka Eebbahay waxaa dhammaan lahaa badda kahor dhammaanshaha Kalimaadka Eebbahay aaban keenno isagoo kale [oo siyaadin ah].”
  4. Waxaad dhahdaa, “Waxaan uun ahay anigu bashar [dad] idinkoo kale ah, waxaa lay waxyooday in uun yahay Ilaahiin Ilaah kaliya, ruuxiise dooni la-kulanka Eebbihiis ha falo camal fiican, yuuna la wadaajinna cibaadada Eebbihiis cidna.”

 

Mu‘miniinta camalka fiican wuxuu Eebbe u-darbay Jannada Firdowsa oyna ku waari ka guuridna ayna doonayn, sida adduunka la dooni in marba meel loo guuro ama loo wareego. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Haddaad Eebbe warsataan Janno warsada Jannada Firdowsa waa Jannada ugu sarreysa uguna wanaagsan, kana soo burqadaan wabiyada Jannada.” Bukhaari iyo Muslim. Markaas waxay suuraddu ku dhammaatay waasacnimada cilmiga Eebbe iyo inuusan dhammaanayn haddii geedaha qalin laga dhigo sida suurad kale caddaysay, badahana khad laga dhigo. Nabiguna waa dad hase yeeshee loo waxyooday in Ilaah kali yahay loona kali-yeelo camalka cid kalana lala wadaajin. Rabiic binu Anas wuxuu yidhi, “Cilmiga dadka dhammaan marka loo eego cilmiga Eebbe wuxuu lamid yahay dhibic badahoo dhan.” Xaakim). Taasina waxay ku tusin inaan cidna cilmi ku faani Karin, sheeganna karin. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Markuu Eebbe kulmiyo kuwii hore iyo kuwii dambaba maalin aan shaki lahayn waxaa dhawaaqa dhawaaqe, ‘Ruuxii la wadaajiyey camal Eebbe cid kale haka doonto abaalkiisa, Eebbe waa ka kaaftoon yahay wadaage.’” Imaam Axmed. Waxaa uun loo baahan yahay waa camal fiican oo Eebbe dartiis loo falo si Eebbe abaal wanaagsan looga helo. Al-Kahf (107-110)

 

Suurat Maryam

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Kaaf. Haa. Yaa. Cayn. Saad. [Waa lasoo sheegay kuwo lamid ah.]
  2. [Kanna] waa sheegid naxariista Eebbahaa addoonkiisa Zakariye.
  3. Markuu u dhawaaqay Eebbihiis dhawaaq qarsoodi ah.
  4. Yidhina “Eebbow anigu waan tabar yaraaday madaxayguna wuxuu la huray cirro, mana ahayn baryadaada Eebbow mid ku khasaara.”
  5. “Anigu waxaan ka cabsan qaraabada iga dambaysa [inay xumaadaan] haweenaydayduna waa ma-dhalays, iga sii agtaada wali [walad].”
  6. “I dhaxla [Nabinimada] oo dhaxla ehelkii Yacquub kana yeel Eebbow mid laga raalli noqdo.”
  7. Zakariyow annagu waxaanu kuugu bishaarayn wiil magaciisu yahay Yaxye oonaan u-yeelin horay wax lamid ah [la magac ah].
  8. Wuxuu yidhi, “Eebbow sidee iigu ahaan wiil iyadooy tahay haweeneydaydu ma-dhalays oon ka gaadhay waynida gabow.”
  9. Wuxuu yidhi, “Waa saas, wuxuuna Eebbaha yidhi, ‘Isagu waa ii fududdahay waana ku abuuray horay adoon ahayn waxba.’”

 

Nabi Zakariye yaa Eebbe waydiistay isagoo wayn haweenaydiisuna dhalin in Eebbe siiyo cid wanaagga iyo Nabinimada ka dhaxasha, Eebbana wuu aqbalay baryadiisii wuxuuna siiyey wiilkiisii Nabi Yaxye, markuu la yaabay xaalkiisa iyo kan ehelkiisa wuxuu Eebbe u-sheegay inay u-fududdahay illeen isagaba wuxuu abuuray isagoon waxba ahayne. Waxaa sugnaaday inaan Nabiyada laga dhaxlin xoolo ee laga dhaxlo cilmi. Tan kale waxay ku tusin in Eebbe aqbalo baryada addoomadiisa, wax walbana u fudud yahay hadduu doono, iyo in loo cabsado Diinta iyo wanaagga iyo Xaqa. Maryam (1-9)

 

  1. Wuxuu yidhi, “Eebbow ii yeel calaamo [Xaqnimada yaboohaada],” wuxuu yidhi [Eebbe] “Calaamaddaadu waa inaadan la hadlin dadka saddex habeen oo is-raacsan [adoo fayow].”
  2. Markaasuu ugaga soo baxay qawmkiisii mixraabka wuxuuna u-ishaaray xaggooda inay tukadaan aroor iyo galabba.
  3. [Waxaa loo yidhi] “Yaxyow ku qaado Kitaabka [Tawreed] xoog [dadaal]” waxaan siinnay xikmo isagoo yar.
  4. Iyo naxariis agtannada ka ahaatay, iyo daahirnimo wuxuuna ahaa dhawrsade.
  5. Iyo baarri labadiisa waalid mana ahayn daalim caasi ah.
  6. Nabadgalyo korkiisa ha ahaato maalinta la dhalay iyo maalintuu dhiman iyo maalinta lasoo bixin isagoo nool.
  7. [Ku xusuuso] Kitaabka Maryama, markay uga fogaatay ehelkeeda meel bari ah [bariga Qudsi].
  8. Oyna ka yeelatay xaggeeda astur, oon u-dirray xaggeeda ruuxannagii [Jibriil] oo isugu shabbahay dad eg.
  9. Una tidhi anigu waxaan kaa magan-galay [Eebbaha] Raxmaan ah haddaad tahay dhawrsade.
  10. Kuna yidhi, “Anigu waxaan uun ahay Rasuulka Eebbahaa inaan ku siiyo wiil daahir ah.”
  11. Waxayna tidhi, “Sidee iigu ahaan wiil anoosan i taaban dad, ahaynna mid xun [la tuhmo].”
  12. Wuxuuna yidhi, “Waa sidaas, wuxuuna yidhi Eebbahaa, ‘Wuu u fudud yahay korkayga iyo inaan uga yeello calaamad dadka iyo naxariis xaggayga ah waana arrin la xukumay [dhammeeyey].’”

 

Zakariye wuxuu Eebbe warsaday in calaamo loo yeelo arrinkaas, wuxuuna aamusnaa saddex habeen, wuxuuna ku hadlayey ishaaro, waxaana la siiyey Yaxye Kitaab iyo xikmo, naxariis iyo daahirnimo wuxuuna ahaa dhawrsade, u ah baarri labadiisa waalid, mana ahayn madax adke caasi ah, Eebbana waa nabad-galiyey maalintii la dhalay, tuu dhiman iyo maalinta lasoo bixin isagoo nool. Maryama qisadeedu waxay ahayd mid wayn, waxayna dhanka bari ee Qudsi ugaga qarsoontay dadkeedii, waxaana u-yimid Jibriil oo bashar ku shabbahan waxayna ka magan-gashay Eebbe, wuxuuna u-sheegay in Eebbe usoo diray si uu wiil u-siiyo, wayse yaabtay siday u-heli wiil iyadoon nin qabin, mid xun oo suuqa gashana ahayn, Eebbaase u-sheegay in awoodda Eebbe u fududdahay, yahayna xaal dhammaysan. Waana soo sheegnay in si dhab ahoo nadiif ah loo rumeeyo arrintan innagoo ka duwan Yuhuud halaag haku dhacee, illeen Eebbaha Xaqa ah yaa si xaq ah uga warramaye. Maryam (10-21)

 

  1. Way xambaartay [uurowday] waxayna u-fogaatay meel dheer [durugsan].
  2. Waxayna u-dhibaataysay fooshii jirrid timir waxayna tidhi, “Shalleytee maan dhinto kahor arrintan oon noqdo mid la halmaamo oo laga tago.”
  3. Wuxuuna uga dhawaaqay hoosteeda, “Ha murugoonin, wuxuu yeelay Eebbahaa hoostaada wabi [yar].”
  4. “Una gilgil xaggaaga jirridda timirta hakuu soo riddo korkaaga timir [curdan ah] oo fiicane.”
  5. “Ee cun oo cab qabowsana il [farax] haddaad ka aragto dadkana ruux waxaad dhahdaa, ‘Anigu waxaan ugu nadray [Eebbaha] Raxmaan oon u-soomi oonan la hadlin maanta cidna.’”
  6. Waxayna ula timid [Ciise] qawmkeeda iyadoo xambaarsan waxayna dheheen, “Maryamoy waxaad la timid wax wayn.”
  7. “Haaruun walaashiisay [u eg wanaagga] ma ahayn aabbahaa ruux xun, mana ahayn hooyadaa mid xun [la tuhmo].”
  8. Wayna u-ishaartay xaggiisa waxayna dheheen, “Sideen ula hadlaynaa ruux ku sugan sariir-ilmood isagoo yar.”

 

Wuxuu Eebbe kaga warramay aayadahan inay Maryan uurowday Nabi Ciise, oyna ka fogaatay qawmkeedii, kadibna fooshii ku qabatay timir agteed, markaas jeclaatay inay dhimatoo la halmaamo, waana loo dhawaaqay, inayan walbahaarin, geedka timirta ahna ay lusho si midho ugasoo daataan, waxaana loogu yeedhay inay ka cunto kana cabto togga, hadday aragto dadna ayan la hadlin, waxayna ula timid qawmkeedii iyadoo xambaarsan, waxayna dheheen Maryamow waxaad la timid wax wayn, aabbahaa iyo hooyadaa midna ma xumayn, waxayna u-ishaartay inay yarka la hadlaan iyagoo leh seen ula hadlaynaa ilmo sariirta jiifa. Waxaan soo sheegnay inay waajib tahay in awoodda Eebbe la rumeeyo loona hoggaansamo Eebbe iyo sharcigiisa. Maryam (22-29)

 

  1. Wuxuuna yidhi [Ciise] “Anigu waxaan ahay addoon Eebbe, wuxuuna i siiyey Kitaabka [Injiil] wuxuuna iga yeelay Nabi.”
  2. “Wuxuuna iga yeelay mid la barakeeyey meel kastoon ahay, wuxuuna ii dardaarmay salaadda iyo zakada intaan noolahay.”
  3. “Wuxuuna iga yeelay baarriga waalidaday [hooyaday] igamana yeelin madax-adage xun.”
  4. “Nabadgalyana ha ahaato korkayga maalintii lay dhalay iyo maalintaan dhiman iyo maalinta laysoo bixin anoo nool.”
  5. Kaasi waa Ciise ibnu Maryama, waana hadalka Xaqa ah ee ay shakin.
  6. Kuma habboona Eebbe inuu yeesho ilmo, waana ka nazahan yahay, markuu doono xukun [amar] wuxuu uun dhahaa “Ahaw,” wuuna ahaan.
  7. Ilaahay waa Eebbahay iyo Eebbihiin ee caabuda, kaasaa ah Jidka Toosane.
  8. Wayse is-khilaafeen xizbiyadii dhexdooda wuxuuna halaag uga sugnaaday kuwii gaaloobay kulan maalin wayn.
  9. Maqli ogaa oo arki ogaa maalintay noo imaan, hase yeeshee daalimiintu maanta waxay ku sugan yihiin baadi cad.
  10. Uga dig iyaga maalin qoomama marka la xukmin amarka iyagoo ku sugan halmaansho oon rumeynayn.
  11. Annagaa dhaxli dhulka iyo waxa korkiisa ah xagganagaana laydiin soo celin.

 

Eebbaa ka hadliyey Nabi Ciise, wuxuuna sheegay inuu yahay addoon Eebbe oosan ahayn ilaah, Kitaabna siiyey Nabina ka dhigay, barakeeyeyna meel kastoos joogo, farayna salaadda iyo zakada intuu nool yahay iyo baarrinimada hooyadiis. Ahayna mid xun, nabadgaliyana meel kasta uu ahaan, qisadiisuna waa xaq, Eebbana waa ka nazahan yahay ilmo yeelasho, wax walbana waa u fudud yahay, Eebbana waa waaxid, inkastooy gaaladu isku-khilaaftay oo halaag u-sugnaan Qiyaamada, oyna aad wax u-maqli una arki maalinta Qiyaame ee Eebbe u-hadhi wax kasta. Maryam (30-40)

 

  1. Ku sheeg Kitaabka [Nabi] Ibraahiim, wuxuu ahaa run-badane Nabi ah.
  2. Markuu ku yidhi aabbihiis, “Aabbow maxaad u-caabudi waxaan maqlayn waxna arkayn kaana deeqayn waxba.”
  3. “Aabbow aniga waxaa ii yimid cilmi waxaan adi kuu imaanin ee i raac aan kugu hanuuniyo Jid Toosane [Xaqa].”
  4. “Aabbow ha caabudin Shaydaan, Shaydaanku wuxuu u yahay Eebbaha Raxmaan ah caasi.”
  5. “Aabbow anigu waxaan ka cabsan inuu ku taabto cadaabka Eebbaha Raxmaan ah ood u-noqoto Shaydaan qaraabo.”
  6. Wuxuu yidhi [aabbihiis] “Ma waxaad nici adigu ilaahyadayda Ibraahiimow haddaadan joogin waan ku dhagaxyeyn ee iga tag waligeed.”
  7. Wuxuu yidhi [Nabi] Ibraahiim, “Nabadgalyo korkaaga ha ahaato waan kuu dambi-dhaaf warsan adiga Eebbahay, Eebbe waa ii naxariiste.”
  8. “Waana idinka fogaan idinka iyo waxaad caabudaysaan oo Eebbe kasoo hadhay, waxaana baryi Eebbahay, waxaana mudan inaanan ku noqonin baryada Eebbahay mid ku xumaada [khasaara].”

 

Qisada Nabi Ibraahiim iyo aabbihiis iyo qawmkiisii wax badan yuu Qur’aanku ka warramay, halkanna waxaa ka muuqda siduu Nabi Ibraahiim ugu dadaalay wax u-sheegga aabbihiis iyo wuxuu ugu jawaabay, waxaana muuqda baarrinimadiisii oo ruux walba laga rabo inuu u wanaag-falo waalidkiis Diintaba ha kala duwanaadeene. Markuu ka noogay lana hadiday yuu u dambi-dhaaf warsaday oo saameeyey waana intaan laga reebin wali, waana taas lagu kala-tagay Diinta darted, illeen Diintu ma laha gorgortan iyo qaraabanimo, haddii Xaqa la diidee. Maryam (41-48)

 

  1. Markuu ka fogaaday iyaga iyo waxay caabudi oo Eebbe kasoo hadhay waxaan siinnay Isxaaq iyo Yacquub mid kastana waxaan ka yeellay Nabi.
  2. Waxaana ka siinnay naxariistannada [wanaag] waxaana u-yeellay amaan run ah oo sarraysa.
  3. Ku sheeg Kitaabka [Nabi] Muuse wuxuu ahaa Rasuul Nabi ah.
  4. Waana uga dhawaaqnay dhinaca [buurta] Duur ee midigta ah, waana soo dhawaynay annagoo la hadli.
  5. Waxaana ka siinnay naxariistannada walaalkiis Haaruun oo Nabi ah.
  6. Kuna sheeg Kitaabka [Nabi] Ismaaciil, wuxuu ahaa rumeeyaha yabooha wuxuuna ahaa Rasuul Nabi ah.
  7. Wuxuuna ahaa mid fara ehelkiisa salaadda iyo zakada, wuxuuna ahaa mid Eebbe agtiisa lagaga raalli yahay.
  8. Kuna sheeg Kitaabka [Nabi] Idriis, wuxuu ahaa run-badane Nabi ah.
  9. Waxaana u kor-yeellay meel sare.
  10. Kuwaas waa kuwuu u-nicmeeyey Eebbe oo Nabiyadii ah, oo durriyadii Aadam ah, iyo kuwaan xambaarray la-jirka [Nabi] Nuux iyo durriyaddii Nabi Ibraahiim iyo Israa‘iil iyo kuwaan hanuuninay oon doorannay, marka lagu akhriyo korkooda aayaadka Eebbaha Raxmaan ah way dhacaan iyagoo sujuudi oo ooyi.

 

Markuu Nabi Ibraahiim isaga tagay aabbihiis iyo qawmkiisii yaa Eebbe siiyey Isxaaq iyo wiilkiisii Yacquub, Eebbana ka yeelay Nabiyo, Eebbana u-naxariistay magac fiicanna u-yeelay, sidoo kale qisada Nabi Muuse iyo walaalkiis Haaruun iyana wax badan yey kusoo aroortay Qur’aanka. Sidoo kale Nabi Ismaaciilkii fari jiray salaadda iyo zakada, iyo Nabi Idriiskii runta badnaa. Waana Nabiyada Eebbe u-nicmeeyey marka aayaadka Eebbe lagu akhriyana sujuuda oo ooya. Maryam (49-58)

 

  1. Waxaase ka gadaal-maray kuwo xun oo dayacay salaadda oo raacay waxay naftoodu doonto [oo xun] waxayna la kulmi shar.
  2. Cidda tawbad-keenta oo rumeysa oo camal fiican fasha mooyee, kuwaasu waxay gali Jannada lagamana dulmiyo waxba.
  3. Jannooyinka Cadni [yey gali] ee ah tuu u-yaboohay [Eebbaha] Raxmaan ah addoomadiisa, iyagoo maqan, wuuna ahaan yaboohiisu kii yimaada.
  4. Kuma maqlaan dhexdeeda hadal macno darro, ee waxay maqlaan salaan, waxayna ku mudan rizqigooda dhexdooda aroor iyo galabba.
  5. Taasi waa Jannada aannu dhaxalsiin addoomadannada kooda ah mid dhawrsada.
  6. Kuma soo dagno amarka Eebbahaa mooyee, waxaa u-sugnaaday waxa horteenna ah, iyo waxa inaga dambeeya iyo waxa u-dhexeeya arrintaas, mana aha Eebbahaa mid halmaansan.
  7. Waa Eebbaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa u-dhexeeya ee caabud kuna samir cibaadadiisa, ma u ogtahay Eebbe wax lamid ah [oo la-magac ah]?

 

Waxaase ka gadaal-maray kuwo xun oo salaadda dayacay, xumaanta raacay, oo la kulmi doona ciqaab daran, ciddiise tawbad-keenta oo camal fiican fasha waxay gali Janno lamana dulmiyo, waxayna mudan Jannadii Eebbe u-yaboohay, oy wanaag oo dhan ka heli, xumaanoo dhanna ka dheeraan. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Addoonka iyo gaalnimada waxaa u-dhexeeya salaadda.” Muslim. Malaa‘igta Eebbana waxay uun ugusoo dagi jirtay amarka Eebbe iyo idankiisa, Eebbana waa Eebbaha Xaqa ah ee samooyinka iyo dhulka wax lamid ahna ama la-magac ahna ma jiro. Maryam (59-65)

 

  1. Wuxuu dhihi dadkii [gaalka] “Ma markaan dhinto yaa laysoo bixin anoo nool?”
  2. Miyuuna xusuusanayn dadku anagu inaanu abuurnay horay isagoon waxba ahayn.
  3. Eebbahaan ku dhaartaye waannu kulmin iyaga iyo shayaadiinta, waxaana keenaynaa gaararka Jahannamo iyagoo fadhiya.
  4. Markaas waxaannu ka siiban koox kasta midkooda ugu daran madax-adayg [gaalnimada].
  5. Annagaa og kuwa mudnaan badan galidda Naarta.
  6. Cid idin kamid ah oon ku aroorayn ma jiro Naarta, arrintaasna waxay ku ahaatay Eebbahaa wax go‘an oo xukuman.
  7. Markaas waxaannu korin kuwa dhawrsaday, waxaannu kaga tagi daalimiinta dhexdeeda iyagoo jilbo u-fadhiya.
  8. Marka lagu akhriyo korkooda aayaadkannaga oo cad cad waxay u-dhihi kuwii gaaloobay kuwa rumeeyey, “Labada kooxood midkee khayr-roon nagaadi oo wanaagsan kulan [fadhi]?”
  9. Badanaa intaan halaagnay hortood quruun ka fiican xoolo [iyo dhar] iyo aragba.

 

Soo-bixinta iyo Qiyaamadoo la diido waa caadada gaalada, Eebbese waa kan abuuray iyagoon waxba ahayn, soona kulmin gaalada iyo shayaadiinta galina Naarta Jahannamo, Eebbaana og cidda mudan arrintaas, waana lawada mari jidka Naarta ee Eebbaana ka korin kuwa dhawrsaday, kuna daadin daalimiinta oo dullaysan, waana kuwa marka Xaqa iyo Qur’aanka lagu akhriyo ugu jawaaba faan iyo wanaag sheegasho. Imisuuse Eebbe halaagay kuwo xoolo iyo arag wacan? Ibnu Mascuud wuxuu yidhi, “Waa lagu wada aroori Naarta markaasaa cid walbana waxaa lagusoo bixin camalkiisa.” Taasina waxay muujin inaan xaalku fududayn, waajibna tahay in la darbado. Maryam (66-74)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Ciddii baadi ku sugan ha u-fidiyo [sugo] Eebbaha Raxmaan ah fidin, markay arkaan waxaa loogu gooddiyey ama cadaab ah ama Saacadda [Qiyaame] waxay ogaan cidday xumaan badan tahay gurigiisu oo tabar yar junuud [ciidamo].”
  2. Wuu u-siyaadiyaa Eebbe kuwa hanuunay hanuun, kuwa hadha ee suubban [camalka] yaa khayr-roon Eebbahaa agtiisa abaal-marin, khayrna roon meel laysu celiyo.
  3. Ka warran midka ka gaaloobay aayaadkannaga oo yidhi, “Waxaa lay siin [Aakhiro] xoolo iyo carruur.”
  4. Ma wuxuu daalacday waxa maqan, mise wuxuu ka yeeshay Eebbaha Raxmaan ah agtiisa ballan?
  5. Saas ma aha ee waannu qori wuxuu sheegi, waxaana u-fududaynaa [kordhin] cadaabka fidin.
  6. Waana dhaxlaynaa wuxuu sheegi wuxuuna noo imaan kali.

 

Ciddii baadida iyo xumaanta ku madax-adaygta Eebbana waa usii badiyaa, markaasay ogaan Qiyaamada cadaab iyo cidda tabar yar oo xun. Kuwa hanuunayse wuxuu u-siyaadiyaa Eebbe hanuun, camalka fiican yaana hadhi oo wax tari kuna khayr-roon Eebbe agtiisa. Kuwa gaaloobayse ee sheegan in la siin carruur iyo xoolo ma waxay daalacdeen waxa maqan, mise Eebbey ballan la dhigteen? Saas ma aha ee waa la qori waxay sheegi, cadaabna waa loo badin, wuxuuna imaan Qiyaamada kali. Maryam (75-80)

 

  1. Waxay yeesheen Eebbe ka-sokow ilaahyo inay ugu noqdaan cizzi [tabar].
  2. Saas ma aha ee waxay ka gaaloobi cibaadadooda, waxayna ku noqon korkooda lid [col].
  3. Miyaadan ogayn inaan ku dirro shayaadiinta gaalada oy boorrin [baadiyeyn] baadi.
  4. Ee haku degdegin korkooda, waannu uun u-tirin tiree.
  5. Xusuuso maalintaan u-kulmineyno kuwa dhawrsaday Eebbaha Raxmaan ah iyagoo wafdi ah.
  6. Oon u-kaxaynayno dambiilayaasha xagga Jahannamo iyagoo aroora.
  7. Mana hantaan shafeeco cid ka yeelata Eebbaha Raxmaan ah agtiisa ballan mooyee.
  8. Waxay dheheen [gaaladu] “Wuxuu yeeshay Eebbaha Raxmaan ah ilmo.”
  9. Waxaad la timaadeen wax wayn.
  10. Oy u dhawdahay samooyinku inay la dillaacaan lana jeexmo dhulku oy la hoobato buuruhu burbur.
  11. Inay u-sheegeen Eebbaha Raxmaan ah ilmo.
  12. Kuma habboona Eebbaha Raxmaan ah inuu yeesho ilmo.

 

Wuxuu ka warrami Eebbe inay gaaladu yeesheen ilaahyo Eebbe kasoo hadhay inay cizzi iyo gargaar ka helaan, saasna ma aha ee way diidi doonaan Qiyaamada colna way u-noqon. Shaydaan iyo gaalna waa saaxiib ku kicin xumaanta, ee samir wax walba wuxuu leeyahay waqtiye. Tan kale maalinta Qiyaame wuxuu Eebbe soo kulmin kuwa dhawrsada iyagoo wafdi sharaf leh ah, dambiilayaashana waxaa loo kaxayn xagga Jahannamo iyagoo aroori, wax Eebbe kasoo hadhay oo shafeeco hantana ma jiro, cid ballan ku yeelatay Eebbe agtiisa mooyee, Eebbana ilmo ma yeelan, warkaasina waa arrin wayn oy u dhawdahay in cirku iyo dhulku la dillaaco, buuruhuna la burburi gaadhaan, illeen Eebbey ilmo ku sheegeene, taasina kama suurowdo Eebbe. Cali binuu Abii Daalib wuxuu yidhi, “Kuwa dhawrsada waxaa lasoo kulmin iyagoo gaadiid fiican saaran, intay ka garaacaan albaabka Jannada.” Maryam (81-92)

 

  1. Wax kastoo samada iyo dhulka ku sugan wuxuu u-imaan Eebbe isagoo addoon ah.
  2. Wuu koobay Eebbe wuuna tiriyey tiro.
  3. Dhammaantoodna waxay u-imaan Eebbe Qiyaamada iyagoo kali ah.
  4. Kuwa Xaqa rumeeyey ee camal fiican falay wuxuu u-yeeli Eebbaha Raxmaan ah jacayl.
  5. Waxaan uun ugu fududaynay [Qur’aanka] carrabkaaga inaad ugu bishaarayso [Qur’aanka] kuwa dhawrsada uguna digtid qawm dood badan [oo xun].
  6. Badanaa intaan halaagnay hortood qarni, ma ka kasaysaa xaggooda [aragtaa] ruuxna? Ama ma ka maqli xaggooda cod?

 

Cirka iyo dhulka iyo waxa u-dhexeeyaba waxa ku sugan Eebbaa iska leh, oyna cid walbaa u-imaan Qiyaamada iyadoo kaligeed ah. Eebbana waa koobay khalqiga waana u tirsan yahay, ciddii Xaqa rumeysa wanaagna sameysa wuxuu Eebbe u-yeeli jacayl. Siduu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) sheegay, in markuu Eebbe jeclaado ruux uu faro Jibriil inuu jeclaado markaasuu Jibriil u-dhawaaqaa ehelka samada inay jeclaadaan, markaasaa dhulkana aqbal loogu yeelaa, cadhaduna waa sidaas. Qur’aankana Eebbaa u-sahlay carrabka si loogu bishaareeyo kuwa dhawrsada, uguna digo gaalo madax-adag oo muran badan. Wax badan baana la halaagay quruumo ka horeeyey, wax raad ahna aan laga arkayn wax shanqadh ahna aan laga maqlayn. Cismaan binu Caffaan wuxuu yidhi (Eebbe haka raalli noqdee) “Ruux kastoo khayr fala ama shar fala wuxuu Eebbe huwiyaa marada camalkiisa.” Maryam (93-98)

 

Suuratu Daa-Haa

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Daa. Haa. [Nabiyow, micna kalana waa la sheegaa.]
  2. Maanaan dejin korkaaga Qur’aanka inaad ku dhibbooto.
  3. Waase waanada ciddii cabsan.
  4. Waana soo-dejinta Eebbaha abuuray dhulka iyo samooyinka sare.
  5. Eebbaha Raxmaan ah Carshiguu ku istawooday [si u cunanta].
  6. Waxaana u-sugnaaday waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan iyo waxa u-dhexeeya iyo waxa ka hooseeya dhulka.
  7. Haddaad kor u-qaaddo hadalka Eebbe waa ogyahay waxa qarsoon iyo waxa la qariyey.
  8. Eebbe ilaah kale [xaq lagu cabudo] ma jiro isaga mooye, waxaana u-sugnaaday magacyo fiican.
  9. Ma kusoo gaadhay warkii [Nabi] Muuse?
  10. Markuu arkay dab oo u yidhi ehelkiisa, “Nagaada [suga] anigu waxaan arkaa dabe, waxaana u-dhawahay inaan idiinka keeno dhuxul ama aan ka helo dabka korkiisa cid wax tusisa.”

 

Qur’aanka Eebbe uguma soo dejin Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu ku dhibtamo siday gaaladii sheegeen ee Qur’aanku waa digniin iyo soo-dejin Eebbaha Sare ee awoodda leh, wax walbana hanta, wax walbana og kor iyo hoosba, isaga mooyee ilaah kale (xaq lagu caabudo) ma jiro, magacyo fiican baana u-sugnaaday. Qisadii Nabi Muuse iyo iftiinkuu arkay iyo siduu xaalkiisu ahaana wax badan yuu Qur’aanku ka warramay, si Nabiga loo xoojiyo, loona samirsiiyo. Qur’aankuna waa khayr iyo wanaag iyo naxariis, waxaana ku dadaala cid khayr leh. Waxaana sugnaatay, “Ruuxuu Eebbe khayr la doono wuxuu kasisiiyaa Diinta.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Daa-Haa (1-10)

 

  1. Markuu yimid [Muuse] dabkii waxa loogu dhawaaqay, “Muusow!”
  2. “Anigu waxan ahay Eebbahaa ee siib kabahaaga adigu waxaad ku sugan tahay toggii daahirnaa ee Duwaa.”
  3. “Anaana ku doortay ee maqal waxa laguu waxyoon.”
  4. “Anigu waxaan ahay Alle, ilaah [kalana xaq lagu caabudo] ma jiro Ani mooyee, ina caabuda, oogna salaadda xuskayga.”
  5. “Saacadda [Qiyaame] way imaan waxaana u-dhawahay inaan qariyo in laga abaal-mariyo naf kasta waxay camal fashay.”
  6. “Ee yuusan kaa iilin xaggeeda ruuxaan rumeyn Saacadda, raacayna hawadiisa [xun] ood halaagsanto.”
  7. “Waa maxay taas midigtaada ku jirta Muusow?” [Ogaal waydiin.]
  8. Wuxuu yidhi, “Iyadu waa ushaydii waa cuskadaa korkeeda waxna waan ugu lulaa adhigayga dana kalana waa iigu sugnaadeen.”
  9. Wuxuu yidhi [Eebbe] “Tuur usha Muusow.”
  10. Wuuna tuuray waxayna soo baxday mas ordi.
  11. Wuxuuna yidhi [Eebbe] “Qaad hana cabsanin waxaannu ku celin xaalkeedii horee.”

 

Markuu Nabi Muuse soo gaadhay nuurkii yaa la faray inuu siibo kabaha illeen toggii daahirka ahaa ee Duwaa yuu ku sugan yahaye. Eebbana wuu doortay Nabi Muuse waxaana loo waxyooday inaan Ilaahay mooyee Eebbe kale jirin iyo salaadda dar Eebbe u-oogo. Saacadduna way iman shaki-la‘aan, naf walbana waa la abaal-marin ee yaan Jidka Toosan kaa leexinin cidaan rumeynin oo raacay xumaan oo halaagsamay. Markaasaa Eebbe ka warramay ushii Nabi Muuse iyo xaalkeedii sida meela badan lagu sheegay, taasina waxay ku tusin awoodda Eebbe. Daa-Haa (11-21)

 

  1. “U dum gacantaada garabkaaga waxay soo bixi iyadoo cad xumaan-la‘aan, waana calaamad kale.”
  2. “Inaan ku tusinno aayaadkannaga weyn.”
  3. “Ee aad xagga Fircoon wuu xad-gudbaye [kibray].”
  4. Wuxuu yidhi [Muuse] “Eebbow ii waasici laabta.”
  5. “Iina sahal [fududee] amarkayga.”
  6. “Furna guntinta carrabkayga.”
  7. “Ha kaseen hadalkeygee.”
  8. “Iina yeel wasiir ehelkeyga ah.”
  9. “Haaruun walaalkay.”
  10. “Kuna adkee [xooji] tabartayda [dhabarkayga].”
  11. “Lana wadaaji amarkayga.”
  12. “Inaan kugu tasbiixsanno wax badan.”
  13. “Oon ku xusno wax badan.”
  14. “Adugu waxaad tahay mid na arkee.”
  15. Wuxuu yidhi [Eebbe] “Waa lagu siiyey warsigaagii Muusow.”
  16. “Waana kugu mannaysannay wanaag [ku siinnay] korkaaga mar kale.”
  17. “Markaan u-waxyoonay hooyadaa [ku ilhaamay] wixii lagu ilhaameeyey.”
  18. “Ku tuur Muuse taabuud, kuna tuur taabuudka hirka badda, hirkuna haku rido xeebta, waxaa qaadan colkayga iyo colkiisa [Fircoon], waxaana kugu tuuray jeceylkeyga korkaaga iyo in lagu barbaariyo ilaalintayda.”

 

Aayadahani waxay ka warrami sida Eebbe u-xoojiyey Nabi Muuse una siiyey gacan nuura cudur-la‘aan, una faray inuu aado Fircoon una digo, una waasiciyey laabtiisa, amarkiisana u fududeeyey, carrabkiisana u-wanaajiyey si ay u-kasaan hadalkiisa, walaalkiis Haaruunna Nabi wasiir ah ka dhigay, inay Eebbe uwada caabudaan, iyo in Eebbe ka aqbalay Nabi Muuse baryada Eebbe, una wanaag-falay yaraantiisii markuu ka nabad-galiyey colkiisii Fircoon, hooyadiina ku celiyey. Taasina waxay ku tusin sida Eebbe u-ajiibay baryada mu‘miniinta, iyo in Xaqu guusha yeelan iyo in wanaagga laysla doono. Daa-Haa (22-39)

 

  1. “[Waxaan kugu mannaysanay] markay socotay walaashaa oy lahayd, ‘Maydin tusiyaa ruux idiin dhaqaalayn?’ Waxaana kugu celinnay hooyadaa si ay u-qabowdo isheedu, oyna murugoon, waxaadna dishay naf waana kaa korinnay walbahaar, waana ku imtixaanay imtixaan, waxaadna ku nagaatay sanooyin ehelkii Madyan, markaasaad ku timid qaddar [Eebbe] Muusow.”
  2. “Waxaana kuu doortay Naftayda.”
  3. “Ee la taga adiga iyo walaalkaa aayaadkayga hana ka daalina xuskayga.”
  4. “Aad xagga Fircoon wuu xad-gudbaye.”
  5. “Una dhaha hadal jilicsan bal inuu wax xusuusto ama cabsado.”
  6. Waxay dheheen, “Eebbow waxaannu ka cabsan inuu nagu degdego ama nagu xad-gudbo.”
  7. Wuxuu yidhi [Eebbe] “Ha cabsanina Anaa idinla jira waana maqli oon arkaa.”
  8. “Ee u-taga [Fircoon] una dhaha, ‘Annagu waxaan nahay Rasuulladii Eebbahaa ee dir [u-daa] banii-Israa‘iil hanala jireene, hana cadaabin [ciqaabin] waxaan kuula nimid aayad xagga Eebbahaa, nabad-galyana ha ahaato ruuxii raaca hanuunka.’”

 

Aayadahanna waxay daba-joogaan kuwii hore, waxayna ka warrami sida Eebbe u-nabadgaliyey Nabi Muuse una doortay, uguna diray Fircoon, una faray inay hadal jilicsan kula hadlaan, cabsi iyo xumaanna ayna ka yaabin, oy warsadaan inuu ka tago banii-Israa‘iil ha raaceen Xaqee oosan addoonsan. Waxayna tusin in Xaqa dadka si cad iyo fudud loogu yeedho oon canaan iyo caytan lahayn, sida Eebbe faray Nabi Muuse, Nabiga Muxammad ahna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) uu faray falayna sida ka muuqata warqaduhuu u-qoray Hiriqlihii Ruum, oo ahaa, “Islaam aad nabad gashid, Eebbana haku siiyo ajirkaaga laba jeere.” Waana taas aadaabta Islaamku. Daa-Haa (40-47)

 

  1. “Annaga waxaa naloo waxyooday in cadaab u-sugnaaday ruuxii beeniya [Xaqa] oo jeedsada.”
  2. Wuxuu yidhi [Fircoon] “Waayo Eebbihiin Muusow?”
  3. Wuxuu yidhi [Muuse] “Eebbahanno waa kan siiya wax kasta abuurkiisa oo toosiyey.”
  4. Wuxuu yidhi [Fircoon] “Sidee yahay xaalkii quruumihii hore?”
  5. Wuxuu yidhi [Muuse] “Cilmigoodu waa Eebbe agtiis kitaab aan ka dhumeyn Eebbe uuna halmaameyn.”
  6. Waa Eebbaha ka yeelay dhulka gogol, oo idinka bixiyey dhexdeeda waddooyin oo idiinka soo dejiyey samada biyo oon kusoo bixinnay noocyo doog ah oo kala tagsan.
  7. Ee cuna oo daajiya xoolihiinna, arrintaasna calaamooyin yaa ugu sugan kuwa caqliga leh.
  8. Xaggeedaan [dhulka] idinka abuurnay, dhexdeedana idinku celin, xaggeedaana laydinka soo bixin mar kale.
  9. Waxaan dhab ahaan u-tusinnay [Fircoon] aayaadkannaga dhammaan, wuuna beeniyey oo diiday.

 

Markuu Nabi Muuse Xaqa u-caddeeyey Fircoon uguna yeedhay ugana digay ciqaab yuu isla-weynaaday warsadayna Eebbaha Muuse isagoo is-moogaysiin caqli-xumo darteed, wuxuuse u-caddeeyey Nabi Muuse in Eebbe yahay kan tusiya wax kastoos abuuray maslaxadiisa, mid dayaca ama halmaamana ahayn, waana kan dhulka gogol ka yeelay, waddooyinna ka bixiyey, cirkana biyo ka keenay, kuna soo bixiya cunno kala duwan, oo calaamad u ah kuwa caqliga leh, waana Eebbaha dadka dhulka ka abuuray, kuna celin, kana soo bixin Qiyaamada. Daalimse had iyo jeer Xaquu diidaa sidii Fircoonkii si walba wax loo tusiyey ee beeniyey Xaqa diidayna. Ciddii caqli lehse waa inay fikirtaa kana leexataa waddadii Fircoon iyo waxa lamid ah. Daa-Haa (48-56)

 

  1. Wuxuu yidhi [Fircoon] “Ma waxaad noola timid inaad nagaga bixiso dhulkannaga sixirkaaga Muusow?”
  2. “Waxaannu kuula imaanaynaa sixir lamid ah ee noo yeel dhexdeenna ballan aynaan baajinayn anaga iyo adigu meel eg [la yaqaan].”
  3. Wuxuu yidhi [Nabi Muuse] “Ballankeennu waa maalinta quruxda [kulankooda] waana in lasoo kulmiyo dadka barqin.”
  4. Wuuna jeedsaday Fircoon wuxuuna kulmiyey dhagartiisii wuuna yimid.
  5. Wuxuu ku yidhi Muuse, “Magaciin ba’ haku abuuranina Eebbaha korkiisa been oos idinku halaago cadaab, waxaana khasaaray ruuxii been-abuurta.”
  6. Waxayna ku doodeen amarkooda dhexdooda wayna faqeen.
  7. Waxayna dheheen, “Labadani waa saaxirro waxayna dooni inay idinkaga bixiyaan dhulkiinna sixirkooda oy la tagaan dariiqadiinna [sharaftiinna] fiican.”
  8. “Ee kulmiya dhagartiinna, imaadana idinkoo saf ah, waxaa liibaanay maanta ciddii sarreysee.”

 

Wali waxaa socda qisadii Nabi Muuse iyo daalimkii Fircoon ahaa, meelo badan yeyna Qur’aanka kaga soo aroortay, inkastoo mid walba micna gaar ah tusin, halkanna wuxuu sheegay in Nabi Muuse dooni inuu kaga bixiyo dhulka sixir. Wuxuuna kulmiyey sixiroolayaalkii waqtina waa la muddaystay, hase yeeshee Nabi Muuse wuu waaniyey dadkaas wuxuuna uga digay xumaanta. Taasina waxay ku tusin in had iyo jeer Xaqa la faro, inkastoo Fircoon kiciyey dadkii guubaabiyeyna, isagoo ku beer jileecsan, Nabi Muuse inuu rabo sharaftooda iyo dawladnimadooda qaato, dhulka masarra dooni inuu isagu u-hadho, taasina waa afka xumaanlow, ee waxaa dhab ah inuu Nabi Muuse iyo mu‘miniintuba ay rabaan wanaag, nabad-galyo iyo in Xaqu sarreeyo, xumaantuna dhammaato. Daa-Haa (57-64)

 

  1. Waxay dheheen, “Muusow ama tuur usha ama aan anagu ahaanno kuwa hor tuura.”
  2. Wuxuu yidhi [Muuse] “Bal tuura,” waxaana soo baxay xargahoodii iyo ulahoodii oo loogu ekeysiiyey sixirkoodii inay ordi.
  3. Wuxuuna ka kasay naftiisa cabsi Muuse.
  4. Waxaana nidhi, “Ha cabsan adigu adaa sarreyne.”
  5. “Tuur waxa midigtaada ku jira ha gurato waxay sameeyeene, waxay uun sameeyeen dhagar sixir, mana liibaano sixirrow meeshuu yimaaddo.”
  6. Waxaa la riday saaxiriintii iyagoo sujuudi, waxayna dheheen, “Waxaan rumeynay Eebbaha Haaruun iyo Muuse.”
  7. Wuxuuna yidhi [Fircoon] “Miyaad u-rumeyseen kahor idankayga? Isagu waa kan idinku wayn ee idin baray sixirka, waxaan goyn gacmihiinna iyo lugihiinna si is-dhaaf ah waxaana idinku [daldali] wadhi jirrid timir, waxaadna ogaanaysaan midkannaga daran cadaab hadhidna badan.”
  8. Waxay dheheen, “Ka dooran meyno waxa noo yimid oo xujo ah iyo Eebbaha na abuuray, ee xukmi waxaad xukumi, waxaad uun xukumi nolosha adduunyo.”
  9. “Annagu waxaan rumeeynay Eebbahanno inuu noo dhaafo gafafkannaga iyo waxaad nagu qasabtay [Fircoon] oo sixir ah, Eebbaa khayr-roon oo hadhi.”

 

Dadkii Fircoon kusoo kulmiyey inay kala hortagaan Nabi Muuse sixir waxay arrintii noqotay in laga adkaaday waxay dhoobdhoobeen waxna tarin, markaas rumeeyeen Xaqii Fircoonna ciqaabay, umase aabbayeelin mar hadday arkeen Xaqii, waana kaas Xaq iyo xumaan, cidhibta fiican iyo sharaftiina Xaqaa yeeshay, dulli iyo ceebna Fircoon iyo qawmkiisii yey ku hadhay. Daa-Haa (65-73)

 

  1. Ruuxii u-yimaada Eebbihiis [Aakharo] isagoo dambiile ah waxaa u-sugnaaday Jahannamo kumana dhinto dhexdeeda kumana noolaado.
  2. Ruuxiise u-yimaada isagoo mu‘min ah oo falay camal fiican kuwaas waxaa u-sugnaaday Jannooyinka sare.
  3. Jannooyinka nagaadiga [yey gali] ooy socoto dhexdeeda wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, taasina waa abaal-marinta ciddii nadiif noqota.
  4. Waxaan dhab ugu waxyoonnay [Nabi] Muuse, “Guuri addoomahayga uguna yeel waddo badda oo ingagan hana ka cabsan haleel, hana cabsan [badda].”
  5. Waxaana raacay Fircoon [oo wata] colkiisii waxaana ka daboolay hirka xaggiisa wax daboolay.
  6. Wuxuuna dhumiyey Fircoon qawmkiisii mana hanuunin.
  7. Banii-Israa‘iilow waxaan idinka korinnay cadawgiinna, waxaana idinkula yaboohtannay [ballan] dhinicii buurta ee midig, waxaana kusoo dejinnay korkiinna macaan iyo shimbir.
  8. Ka cuna wanaaggaan idinku arzuqay hana ku xad-gudbina dhexdiisa, oo idinku dhaco cadhadaydu, ruuxay ku dhacdo cadhadaydu dhab buu u-hoobtay [halaagmay].
  9. Anigu waan u-dhaafid badanahay ruuxii tawbad-keena oo rumeeya oo fala wanaagga oo hanuuna.

 

Ma sinna cid dambiile ah oo gali Naar uusan kana dhimanayn kuna noolaanayn iyo ruux Xaqa rumeeyey oo camal fiican falay oo Janno ku waari, waxaana sugnaaday in ehlu-Jannaha sare loo arki sida xiddigga markii Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) la warsaday inay Nabiyada yihiin wuxuu yidhi, “Eebbaan ku dhaartaye, waa kuwa rumeeyey Eebbe rumeeyeyna Rasuullada.” Aayadaha kale waxay sheegi in Eebbe faray Nabi Muuse inuu garaaco badda isagoon cabsanayn, Fircoonna la halaagay intuu dhumiyey qawmkiisii iyo inuu Eebbe nicmeeyey banii-Israa’iil, kana koriyey colkoodii wanaagna ku arzuqay uuna yahay dambi-dhaafe ciddii tawbad-keenta oo rumeysa. Daa-Haa (74-82)

 

  1. “Maxaa kaasoo dedejiyey qawmkaagii Muusow?”
  2. Wuxuu yidhi [Muuse] “Iyagu waa kuwan raadkaygay kusoo joogaan, waana kuu soo degdegay Eebbow inaad iga raalli noqoto.”
  3. Wuxuu yidhi [Eebbe] “Annagu waxaan imtixaannay qawmkaagii gadaashaa, waxaana dhumiyey Saamiri.”
  4. Markaasuu u-noqday [Nabi Muuse] qawmkiisii isagoo cadhaysan oo walbahaarsan wuxuuna yidhi “Qawmkayow, miyuuna idiin yaboohin Eebbihiin yabooh wanaagsan, ma waxaa idinku dheeraaday korkiinna ballankii mise waxaad doonteen inay idinku dhacdo cadhada Eebbe ood u-baajiseen ballankaygii?”
  5. Waxay dheheen, “Maanaan u-baajin ballankaaga awooddannada, waxaase nala saaray culaysyo alaab oo ah waxa qawmku isku qurxin jireen waana tuurray siduu u-tuuray Saamiri.”
  6. Wuxuuna usoo bixiyey dibi muuqal ah oo cod leh, waxayna dheheen, “Kani waa ilaahiin iyo ilaahii Muuse wuuna halmaamay.”
  7. Miyeyna arkayn inuusan usoo celinayn hadal una hananayn dhib iyo nafci [midna]?

 

Markii Fircoon iyo qawmkiisii la halaagay yaa Nabi Muuse wafdi la baxay si ay u-aadaan buurtii lagula hadlay Nabi Muuse, wuuna ka hor-maray, hase yeeshee Eebbaa u-sheegay in qawmkiisii la baadiyeeyey intuu kasoo maqnaa, markaas Nabi Muuse noqday isagoo cadhaysan, oo walbahaarsan, markuu arrinta warsadayna ay sheegeen in nin Saamiri la dhihi jiray dhumiyey una sameeyey suuro dibi inay caabudaan isagoo sheegay inuu ilaah yahay, waase wax la-yaab leh in dibi la caabudo iyo wax lamid ah, taasina waxay ku tusin in ciddii dhunta ay wareeri oy marba wax caabudi. Eebbaase Xaq sugan ah. Daa-Haa (83-89)

 

  1. Wuxuuna u-yidhi Haaruun mar hore, “Qawmkayow waa uun laydinku fidmeeyey, Eebbihiinna waa Raxmaan ee i raaca, adeecana amarkayga.”
  2. Waxay dheheen, “Kama tagayno korkiisa inaan ku nagaanno intuu nooga soo noqon Muuse.”
  3. Wuxuu yidhi [Muuse} “Haaruunow maxaa kuu diiday markaad aragtay inay dhumeen?”
  4. “Inaadan raacin, ma waxaad caasiday amarkeygii?”
  5. Wuxuu yidhi [Haaruun] “Ina hooyow, hay qabanin gadhka iyo madaxa, anigu waxaan ka cabsaday inaad dhahdo, ‘Waxaad kala gaysay banii-Israa‘iil dhexdooda oodan maqlin hadalkayga.’”
  6. Wuxuu yidhi [Muuse] “Xaalkaagu muxuu yahay Saamiriyow?”
  7. Wuxuuna yidhi, “Waxaan arkay waxayna arkin, waxaana qaatay wax kamid ah raad Rasuul [malaga] waana tuuray saasayna ii qurxisay naftaydu.”
  8. Wuxuu yidhi [Muuse] “Tag, waxaa kuu sugnaaday nolosha inaad dhahdo taabasho ma jirto, waxaana kuu sugnaaday waqti aadan baajinayn, day ilaahaagii aad ahayd mid ku kor nagi [caabudi] waanu gubi markaas waxaana ku firdhin mawjadda [badda] firdhin.”
  9. Eebbihiin waa uun Ilaahiinna ah kaan Eebbe jirin isaga mooyee, wuuna u waasac-noqday wax kasta ogaansho.

 

Wuu ka reebay Haaruun banii-Israa‘iil cibaadada dibiga wuxuuna ugu yeedhay inay Eebbe uun caabudaan, isagana maqlaan, wayse diideen, markuu soo noqday Nabi Muuse wuu canaantay Haaruun wuxuuna doonay inuu wax-yeelleeyo, hase yeeshee Haaruun baa u-caddeeyey sababta kana codsaday inuusan dhibaato u-gaysan. Nabi Muusana wuxuu wax warsaday Saamiri wuxuuna u-sheegay inay naftiisu u-qurxisay arrintaas, wuxuuse Muuse ku yidhi, “Tag adooy ciqaabu kuu sugnaatay oo ah inaad dhahdaa, ‘Is-taabasho ma jirto,’ iyo tii Aakhiro,” halkii buuna ku gubay sawirkii dibiga baddana raaciyey illeen Eebbe waa Ilaah wax walba og kaliyee. Daa-Haa (90-98)

 

  1. Saasaan kuugu qisoon [sheegi] warkii hor-maray, waxaana kaa siinnay agtannada Qur’aan.
  2. Ciddii ka jeedsata xaggiisa waxay xambaari maalinta Qiyaame culays [dambi].
  3. Iyagoo ku waari [ciqaabta] dhexdeeda, waxaana u-xumaaday iyaga maalinta Qiyaame rar.
  4. Waa maalinta la afuufi suurka, oon soona kulmineyno dambiilayaasha maalintaas iyagoo indho-cawlan.
  5. Wayna is-warsan [xansan] dhexdooda, “Maydaan ku nagaanin [adduunyada] toban mooyee [maalmood].”
  6. Anagaa og waxay dhihi, markuu dhihi kooda ugu jid leh, “Maydaan nagaanin maalin mooyee.”
  7. Waxay ku warsan buuraha waxaad dhahdaa, “Waxaa burburin Eebbahay burburin.”
  8. Wuxuuna ka yeeli meel siman oo ebar ah.
  9. Ku arki maysid qallooc iyo taag midna.
  10. Maalintaas waxay raaci dhawaaqaha, kamana leexdaan waxayna u-xasishay codadku Eebbaha Raxmaan ah, mana maqashid shanqadh mooyee.
  11. Maalintaas ma anfacdo shafeeco cid Eebbaha Raxmaan ah idmo oo ka raalli noqday hadalkiisa mooyee.
  12. Wuxuu ogyahay Eebbe waxa hortaada ah iyo waxa ka dambeeya, mana ku koobayaan Eebbe ogaansho.
  13. Waxay u-khuduucday wajiyadu Eebbaha nool ee wax maamula, waxaana khasaaray ruuxii xambaara dulmi.
  14. Ruuxii fala wanaag isagoo rumeeyey kama cabsado dulmi iyo nusqaamin midna.

 

Siduu Eebbe uga warramay Nabiga warkii Nabi Muuse iyo Fircoon iyo wixii dhex-maray yuu Eebbe ugu qisoon Nabiga warkii kuwii hore, ciddii Xaqa ka jeedsatana wuxuu xambaari Qiyaamada dambi wuxuuna imaan isagoo dullaysan oon wax garanayn, waana maalinta buuruhu burburi oy dadku khushuuci. Cid hadli iyo cid shafeecina ma jirto idanka Eebbe la‘aantii illeen Eebbaa wax walba koobaye wajiyaduna u-hoggaansame, waxaana khasaari dulmiile mu‘minkuse kama cabaado dulmi. Saas darteed waa in wanaagga lagu dadaalo xumaantana laga fogaado. Daa-Haa (99-112)

 

  1. Saasaanu kugusoo dejinnay Qur’aan Carabi ah uguna caddaynay [celcelinnay] dhexdiisa gooddi inay dhawrsadaan darteed ama u-timaaddo xusuus [waano].
  2. Waxaa sarreeya Eebbaha Xaakimka Xaqa ah, hana ku degdegin Qur’aanka kahor dhammayn waxyigiisa xaggaaga, waxaadna dhahdaa, “Eebbow ii kordhi cilmi.”
  3. Dhab ahaan yaan ula ballantannay Aadam mar hore wuuna halmaamay kama aanaan helin niyo adag.
  4. Xusuuso markaan ku nidhi malaa‘igta, “U-sujuuda Aadam,” wayna sujuudeen Ibliis mooyee oo diiday.
  5. Waxaana nidhi, “Aadamow kani [Ibliis] waa colkaaga iyo colka haweeneydaada ee yuusan idinka bixinin Jannada ood dhibbooto.”
  6. “Waxaa kuu sugnaaday inaadan ku gaajoon dhexdeeda kuna arradin.”
  7. “Waxaana kuugu sugnaaday inaadan ku oomin dhexdeeda kuna qorroxoobin.”
  8. Waxaase waswaasiyey Shaydaan wuxuuna yidhi, “Aadamow maku tusiyaa geedda waaridda iyo xukun aan gaboobayn?”
  9. Wayna cuneen xaggeeda waxaana u-muuqday cawradoodii, waxayna noqdeen kuwa isku dhejiya korkooda caleenta Jannada, wuu caasiyey Aadam Eebbihiis wuuna leexday.
  10. Waxaase doortay Eebbihiis wuuna ka tawbad-aqbalay oo hanuuniyey.

 

Qur’aanka Eebbaa ku dejiyey Nabiga, wuxuuna ku celceliyey wax-sheeg si loo wacdoomo, wuxuuna Eebbe faray Nabiga inuusan ku degdegin akhriska Qur’aanka intaan la dhammayn waxyigiisa, wuxuuna faray inuu Eebbe warsado cilmi-kordhin. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ilaahow igu anfac waxaad i bartay ina bar wax i anfici, iina kordhi cilmi mahadna Eebbaa leh si kasta.” Tirmidi iyo Ibnu Maajah. Qisada Nabi Aadamse waxay ku faahfaahsan tahay Suuradda al-Baqarah. Waxaase jirta inuu Ibliis col u-yahay dadka had iyo jeer, cid kastana isku dayi inuu dhumiyo cid Eebbe ka dhawra mooyee. Daa-Haa (113-122)

 

  1. Wuxuu yidhi [Eebbe] “Ka hoobta Jannada dhammaantiin qaarkiin qaar col buu u yahaye, hadduu xaggayga idiinka yimaado hanuun ruuxii raaca hanuunkeyga ma dhumo [adduunka] mana xumaado [Aakhiro].”
  2. “Ruuxiise ka-jeedsada xuskeyga [Qur’aanka] waxaa u-sugnaaday nolol cidhiidhi ah, waxaana soo kulminaynaa maalinta Qiyaame isagoo arag-la‘.”
  3. Wuxuuna dhihi, “Eebbow maxaad ii soo kulmisay [keentay] anoo arag-la‘ oona ahaa arke [adduunkii]?”
  4. Wuxuu yidhaa [Eebbe] “Waa saas, waxaa kuu timid aayadahannaga waadna halmaantay saasaana maanta lagaaga tagi [sida halmaan].”
  5. “Saasaan ku abaal-marinnaa ciddii xad-gudubta oon rumayn aayaadka Eebbihiis cadaabka Aakhiraana daran oo hadhid badan.”
  6. Miyuuna u-caddayn gaalada intaan halaagnay hortood quruumo iyagoo ku socda guryahooda? Taasna calaamaa ugu sugan kuwa caqliga leh.
  7. Haddayna jirin kalimad u hor-martay Eebbahaa iyo muddo magacaaban wuxuu ahaan lahaa cadaabku mid kusoo degdega.
  8. Ee ku samir waxay sheegi kuna tasbiixso adoo mahadda Eebbahaa ku dheehan kahor qorrax-soo-bax iyo kahor dhicidda, saacadaha habeenkiina tasbiixso [tuko] iyo darfaha maalinta inaad raalli noqoto.

 

Waa lasoo sheegay qisada Nabi Aadam iyo Ibliis iyo siduu dadka col ugu yahay, tan kale ciddii raacda Qur’aanka ma dhumo mana khasaaro. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Wuxuu Eebbe u damiin-qaaday ciddii Qur’aanka akhrida oo ku camal fasha uusan dhumin adduunyada, kuna xumaaniin Aakhiro ciddise Xaqa ka-jeedsata waxay noolaan nolol xun, wuxuuna imaan Qiyaamada isagoo indho-la’ maxaa yeelay adduunkii yuu Xaqa ka jeedsaday, saasaana lagu abaal-marin ciddii xad-gudubta, waana in lagu waano-qaato ummadihii hore ee la halaagay, Eebbana cidduu doono wuu halaagaa hadduusan waqti la sugaynin, waase in la adkeysto lana samro, cibaadadana lagu dadaalo maalin iyo habeenba, illeen wixii Nabiga la faray ummaddana waa la faraye si Eebbe inoo nabad-galiyo maalinta Qiyaame. Daa-Haa (123-130)

 

  1. Haw taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay nooc kamid ah oo quruxda noloshaa adduun si aan ugu fidnayno, rizqiga Eebbahaa yaase khayr-roon oo hadhid badan.
  2. Far ehelkaaga salaadda kuna samir korkeeda, ku warsan mayno rizqiye annagaa ku arzuqi cidhibta [fiicanna] waxaa iska leh dhawrsashada.
  3. Waxay dheheen gaaladii, “Muu noola yimaado aayad xagga Eebbihiis ka timid?” Miyuuna u-imaanin maraggii wixii ku sugnaa Kutubihii hore?
  4. Haddaan ku halaagno cadaab Rasuulka [iyo Qur’aanka] kahor waxay dhihi lahaayeen “Eebbahannow maxaad noogu diri wayday Rasuul oon raacno aayaadkaaga kahor dullowgannaga iyo khasaarahannaga?”
  5. Waxaad dhahdaa [Nabiyow] dhammaan way sugi ee suga, waxaad ogaan doontaan cidda Jidka Toosan iyo cidda hanuunsane.

 

Eebbe wuxuu faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuusan dayin waxa adduunyo ah ee loogu raaxeeyey kuwaas gaalada ah illeen waa wax yar oo tagi, ee uu salaadda faro kuna samro, Eebbaana wax arzuqa, cidhib fiicanna waxaa iska leh ciddii dhawrsata. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaan idiinku cabsi badnahay waxa Eebbe idin siin oo quruxda adduunka ah.” Waxayna dheheen, “Waa maxay quruxda adduunka Rasuul-Allow?” Wuxuu yidhi, “Waa barakada dhulka.” Taasina ujeeddadu ma aha inaan la shaqaysan, waa inayan adduunyada kaliya ku shuqlinin. Aayadaha dambe waxay ka warrami inay gaaladu Xaqa diidi isagoo Nabiga loogu caddeeyey Kutubihii hore, haddii la halaago iyagoon Rasuul loo soo dirin waxay ku caban lahaayeen maxaa naloo halaagay anagoon Rasuul naloo soo dirin. Hase la sugo way kala caddaan cidda toosan iyo tan qalloocsan. Waxaana sugnaatay in ummadda Nabigu ugu badnaan maalinta Qiyaame. Waase in wanaagga lagu dadaalo si loo noqdo ummadda Nabiga. Daa-Haa (131-135)

 

Suurat Al-Anbiyaa’

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaa u-dhawaaday dadka xisaabtoodii iyagoo halmaansho ku sugan oo jeedsan.
  2. Qur’aankasee oo uga yimaada xagga Eebbahood kana soo darriya way maqlaan iyagoo ciyaari.
  3. Oy shuqloon tahay quluubtoodu, waxayna hoos u-dhigeen faqii kuwii dulmi falay [iyagoo dhihi] “Kanu ma waxaan dad idinkoo kale ahayn baa? Ma waxaad u-imanaysaan sixir idinkoo arka?”
  4. Wuxuu yidhi [Nabigii] “Eebbahay baa og hadalka samada ku sugan iyo dhulka, waana maqle oge ah.”
  5. Waxay dheheen [gaaladii] “Saas ma aha ee waa qarowyo, saa ma aha ee wuu been-abuurtay, saas ma aha ee waa gabayaa ee hanoo keeno aayad sidii lagu diray kuwii hore.”
  6. Mayna rumeynin hortood magaalo aan halaag [la doonnay] ee ma iyagaa rumeyn?

 

Suuraddan waxaa lagu magacaabay suuradda Anbiyada, maxaa yeelay waxaa kusoo arooray qisadooda. Aayadahanna waxay ka warrami inay Saacaddii Qiyaame dhawdahay dadkoo halmaansan. Wixii u-yimaada gaalada oo Xaq ahna way iska dhagaysan iyagoo ciyaari, faq xunna faqi oo isu-sheegi inayan maqlin dad lamid ah, Xaqana ay sixir ku sheegeen, Eebbaase og waxa cirka iyo dhulka ku sugan maqlina, Qur’aankuna ma aha wax lagu qarway ama heesaa la yimid, Nabiguna wuxuu ula yimid Xaq cad, maxayse waano tari mar haddii Xaqa la diido lana caasiyo. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Maxaad leedihiin oo u-warsanaysaan ehlu-Kitaabka waxay haystaan iyagoo leexiyey oo baddalay oo siyaadiyey oo nusqaamiyey, Kitaabkiinaana u-dambeeyey Kitaabaha, dhaar Eebbee waad akhriyeysaan isagoo cad oon la dheehin.” Al-Anbiyaa’ (1-6)

 

  1. Maanaan dirin hortaa rag mooyee, kuwaas oon u-waxyoonnay, ee warsada kuwa cilmiga leh haddaydaan wax ogayn.
  2. Kamaanaan dhigin [Nabiyada] jasad [muuqaal] oon cunayn cunno mana ahayn kuwo waara.
  3. Markaasna waxaan u-rumeynay yaboohii waana korrinay iyagii iyo ciddaan doonno, waxaana halaagnay xad-gudbayaasha.
  4. Waxaan idiin soo dejinnay Kitaab sharaftiinnu ku sugan tahayee miyeydaan kasayn.
  5. Badanaana intaan halaagnay magaalo dulmi badan [dadkeedu] oon ahaysiinnay gadaasheed qawm kale.
  6. Markay kaseen cadaabkannaga yey ahaayeen kuwo ka carari.
  7. Ha cararina kuna noqda wixii laydiinku raaxeeyey iyo guryihiinna waxay u dhawdahay in wax laydin warsadee.
  8. Waxay dheheen, “Halaagannagee waxaan nahay daalimiin.”
  9. Saasna kuma tagin qayladoodu intaan ka yeello wax la shafay oo bakhtiya.

 

Illeen wuxuu u-waxyooday Nabiyo badan oo rag ah oon malaa‘ig ahayn, wuxuuna faray dadka cilmiga iyo aqoonta leh, Nabiyaduna wax bay cuni jireen ee ma ahayn muuqaal aan wax cunin, wayna dhinteen, Eebbana wuxuu u-rumeeyey yaboohiisii wuuna koriyey cidduu doono, wuxuuna halaagi xad-gudbayaasha, Qur’aankuna waa sharafta mu‘miniinta, ciddii dulmi fashana waa la halaagi waxaana lagu baddali dad kale. Markay dhibaatada arkaanna way carari, waxaana loo dhihi, “Ha cararina ee raaxadiinna ku noqda iyo guryihiinna wax baa laydin warsane,” wayna shalleytoon intay ka noqdaan wax ebar ah oo bakhti ah. Al-Anbiyaa’ (7-15)

 

  1. Maanaan abuurin samooyinka iyo dhulka iyo waxa u-dhexeeya annagoo ciyaari.
  2. Haddaan doonno madadaallo inaan yeelanno waxaan ka yeelan lahayn agtannada haddaan falayno.
  3. Xaqaanse ku gannaa baadilka oo tirtira markaasuu tagaa, waxaa idiinku sugnaaday halaag waxaad sheegaysaan.
  4. Ilaahay waxaa u-sugnaaday waxa samooyinka ku sugan iyo dhulka, kuwa Eebbe agtiisa ahna iskama kibriyaan cibaadadiisa kamana daalaan.
  5. Wayna nazahaan habeen iyo dharaarba kamana noogaan.
  6. Mise waxay yeesheen [gaaladii] ilaahyaal dhulka xaggiisa oo wax soo nooleeya.
  7. Hadday yihiin dhexdooda [samada iyo dhulka] ilaahyo way fasaadi lahaayeen, waxaa ka nazahan Eebbaha Carshiga leh waxay ku tilmaami.
  8. Lama warsanayo wuxuu falo iyagase waa la warsan.

 

Ilaaheen waa ka dheer yahay ciyaar iyo xumaanba, cirka, dhulka iyo khalqiga kalana wuxuu u-abuuray Xaq iyo in cid walba laga abaal-mariyo waxay kasbato. Malaa‘igtuna iskama waynayso cibaadada Eebbe, kamana daalaan habeen iyo dharaar nazihiddiisa, wax isaga kasoo hadhay oo ilaah ah oo wax nooleeyana ma jiro. Hadday cirka iyo dhulka joogaan ilaahyo way fasaadi lahaayeen oo xumaan lahaayeen, maxaa yeelay midba wax buu dooni lahaa markaasuu amarku iska hor-imaan lahaa, saas darteed Ilaaheennu waa kali, wehelna uma baahna, xumaanna waa ka fog yahay, sharafna isagaa iska leh, wuxuu doonana wuu falaa, cid warsanna ma jirto. Ruuxii caqli darro iyo isla-wayni aan meel jirin u-diidana waa jaahil aan wax ogayn lana kulmi abaalkiisa. Saas darteed waa in si dhab ah loo caabudo Eebbe kaliya. Al-Anbiyaa’ (16-23)

 

  1. Mise waxay yeesheen Eebbe ka-sokow ilaahyo, waxaad dhahdaa, “Keena xujadiinna, kani waa [Qur’aanka] sheegi waxa ila jooga iyo sheegiddii kuwii iga horreeyey,” badidoodse ma oga Xaqa wayna ka jeedsan.
  2. Rasuulkaan hortaa dirayba waxaan u-waxyoonnay, “Ilaah aan Ani ahayn ma jiro ee i caabuda.”
  3. Waxay dheheen gaaladii, “Wuxuu yeeshay [Eebbaha] Raxmaan ah ilmo,” waa ka nazahan yahay, waase addoomo [malaa‘igtu] la sharrifo.
  4. Kagama hor-maraan hadal iyaguna amarkiisay ku camal-falaan.
  5. Wuxuu ogyahay waxa hortooda iyo gadaashooda ah umana shafeecaan cidduu ka raalli yahay mooyee iyaguna cabsidiisay la baqaan.
  6. Ruuxii dhaha oo kamid ah malaa‘igta, “Anaa ilaah ah Eebbe ka-sokow,” kaas waxaannu ku abaal-marin Jahannamo, saasaana ku abaal-marinnaa daalimiinta.

 

Eebbe waa kali wax kasoo hadhay oo ilaah (xaq lagu caabudo) ahna ma jiro, saasaana ku qoran Qur’aanka iyo Kutubtii ka horraysayba, Rasuul kastana wuxuu Eebbe u-waxyooday in Ilaahay kali yahay lana caabudo. Malaa‘igtuna ilmo ma aha Eebbe waase addoomo sharaf leh, oon Eebbe caasiyayn, uuna ogyahay waxay fali iyo xaalkoodaba, waxay u-shafeecina ma jiro cid Eebbe ka raalli noqday mooyee, isaga un bayna ka yaabaan, kana cabsadaan, ciddii ilaahnimo sheegatana Eebbe ka-sokow wuxuu Ilaahay ku abaal-marin Naarta Jahannamo, saasuuna ku abaal-mariyaa daalimiinta, saas darteed Eebbaha Xaqa ah wax dila, wax nooleeya, wax arzuqa, roobka keena, sharciga soo dajiya, loo wada baahan yahay ka kaaftooma dadka waa uun Ilaaheenna awoodda leh. Al-Anbiyaa’ (24-29)

 

  1. Miyeyna arkayn kuwii gaaloobay in samooyinka iyo dhulku ahaayeen kuwo isku dhaggan oona kala bixinnay, kana yeelnay biyaha wax kasta oo nool ee miyeyna rumaynayn?
  2. Waxaana yeellay dhulka sugayaal [buuro] inayna la iilanin dadka, waxaana yeellay dhexdeeda karimo waddooyin ah, inay ku toosaan.
  3. Waxaana ka yeelnay samada saanqaaf ilaashan iyaguna calaamooyinkeeda way ka jeedsan.
  4. Eebbe waa kan abuuray habeenka, maalinta, qorraxda iyo dayaxa mid kastana falag buu dhex-dabbaalan.
  5. Maanan yeelin dadka ka horreeyey kuwo waara ee haddaad dhimato ma iyagaa waari [gaaladu]?
  6. Naf kastaa waxay dhadhamin geeri waxaana idinku imtixaami shar iyo khayr ibtilo darteed, xaggannagaana laydiin soo celin.

 

Ilaahay wuxuu ka warrami awooddiisa weyn iyo in cirka, dhulka, ahaayeen kuwo isku dhaggan Eebbaana ka keenay roobka iyo doogga, wax kastoo noolna biyo ka ahaaday, dhulkana buura yeelay si dhulka loogu sugo, looguna taago, cirkana ka yeelay saanqaaf ilaashan, habeenka, dharaarta, qorraxda iyo dayaxana falaggooda iyo meeshooda u-sahlay. Tan kale cid waari oo dad ah ma jirto, ee ruux walba wuu dhiman, waxaase loo baahan yahay camal fiican ee ma habboona in geerida cidda wanaagga fali la jeclaado. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Wax walba waxaa laga abuuray biyo.” Waxaa sheegay Imaam Axmed. Ibnu Cabbaasna wuxuu yidhi, “Waxaa laysku imtixaami shar, dhibaato, barwaaqo, caafimaad, cudur, hodan, saboolnimo, xalaal, xaaraan, daaco, macsiyo, hanuun iyo baadi.” Al-Anbiyaa’ (30-35)

 

  1. Markay ku arkaan kuwii gaaloobay waxay kaa yeeshaan jeesjees iyagoo dhihi, “Ma kanaa kan sheegi ilaahyihiinna?” iyagoo ka gaaloobi xusidda Eebbaha Raxmaan ah.
  2. Waxaa laga abuuray dadka degdeg, waxaana idin tusin aayaadkayga ee ha degdegina.
  3. Waxay dhihi, “Waa goorma yaboohii [cadaabku] haddaad run sheegaysaan?”
  4. Hadday ogyihiin kuwii gaaloobay markaan laga reebbeyn wajiyadooda Naarta iyo dhabarkooda oon loona gargaarayn [ma degdegsadeen].
  5. Waxayse ugu imaan [Naartu] si kada ah wayna wareerin mana karayaan celinteeda lamana sugo.
  6. Waxaa lagu jeesjeesay Rasuullo kaa horreeyey waxaana ku dhacay kuwii ku jeesjeesay oo gaalada ah waxay ku jeesjeesi jireen.
  7. Waxaad dhahdaa, “Yaa idinka ilaalin habeen iyo dharaarba Eebbaha Raxmaan ah?” Waxayse iyagu ka jeedsan xusidda Eebbahood.
  8. Ma waxaa u-sugnaaday ilaahyo naga celin? Ma karaan [waxay caabudi] gargaarka naftooda nalagamana magan-galiyo.

 

Ma habboona in cid Xaqa u-yeedhi lagu jeesjeeso, isagoo Xaqa la diidi, dabeecadda dadkana waxaa kamid ah inay dagdagaan oo wax dheeraystaan, waxaase imaan maalin gaalo wax cadaab ka baajin jirin, cadaabna ugu imaan kado, oyna arki cidhibta xumaanta, wax Eebbe dadka ka ilaalinna ma jiro habeen iyo maalin midna wax Eebbe kasoo hadhay oo wax reebina ma jiro, maxaa yeelay iyagaaba naftooda wax u-tarin, qudradiisa hadalkana wuxuu ku uruursan yahay awoodda Eebbe, tabar-yari iyo baahida dadka. Al-Anbiyaa’ (36-43)

 

  1. Saas ma aha ee waxaan u-raaxaynay kuwaas iyo aabbayaalkood intuu ku dheeraado cimrigu, miyeyna arkayn inaannu ku imanayno dhulka annagoo nusqaamin [guusha Islaamka] ma iyagaa adag?
  2. Waxaad dhahdaa, “Waxaa uun aan idiinku digi waxyiga mana maqlo dhagoole dhawaaqa marka loo digi.”
  3. Hadduu taabto wax yar oo cadaabka Eebbahaa ah waxay odhan, “Halaaggannagee annagaa daalimiin ah.”
  4. Waxaannu u-dejinaynaa miisaanka caadilka ah maalinta Qiyaame lagamana dulmiyo naf waxba, haba ahaado wax la eg xabbad khardal ah [wax yar] ee waan siinaynaa, annagaana ugu filan xisaabiye.
  5. Dhab ahaan yaan u-siinnay [Nabi] Muuse iyo [Nabi] Haaruun kala-bixiye [Tawreed] iyo nuur iyo waanada kuwo dhawrsada.
  6. Oo ah kuwa ka cabsada Eebbahood iyagoo kali ah iyagoo Saacadda [Qiyaame] ka cabsan.
  7. Kan [Qur’aankuna] waa Qur’aan la barakeeyey oon soo dejinnay ee ma idinkaa diidi isaga?

 

Gaalada waxaa xumaanta ku qaaday ku-raaxaysiga adduunka, waase inay ku waano-qaataan faafidda Islaamka iyo guusha. Waxaase jirta inaan cid dhuntay hanuunin karin, markuuse taabto ciqaab yar yey calaacalaan oo dhawaaqaan, Eebbaase miisaan caddaalad ah joojin maalinta Qiyaame, cid la dulminna ma jirto, Eebbahaana ku filan xisaab. Nabi Muuse iyo Nabi Haaruunna wuxuu siiyey Eebbe Kitaabkii Tawreed, oy ku hanuuniyeen kuwa Eebbe ka yaaba, Qur’aankuna waa Kitaab la barakeeyey ciddii diidda un baase khasaartay oo dhuntay Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Laba kalimo oo u-fudud carrabka kuna culus miisaanka Eebbana jecel yahay waa, ‘Waxaa nazahan oo mahadsan Eebbaha wayn.’” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Al-Anbiyaa’ (44-50)

 

  1. Dhab ahaan waxaan u-siinnay [Nabi] Ibraahiim hanuunkiisa mar hore Annagaana ogayn.
  2. Markuu ku yidhi aabbihiis iyo qawmkiisii, “Waa maxay sawirradan aad ku kor-negidihiin [caabudaysaan]?”
  3. Waxay dheheen, “Waxaan helnay aabbayaalkanno oo caabudi.”
  4. Wuxuu yidhi [Nabi] Ibraahiim, “Waxaad ku sugan tihiin idinka iyo aabbayaalkiin baadi cad.”
  5. Waxay dheheen, “Ma waxaad noola timid Xaq mise adigu waxaad kamid tahay kuwa ciyaari?”
  6. Wuxuuna yidhi, “Eebbihiin waa Eebbaha samooyinka iyo dhulka ee ah kan abuuray, aniguna arrintaas yaan ahay kuwa ka marag kici.”
  7. “Eebbaan ku dhaartaye waan dhagri sanamyadiinna kadib markaad jeedsataan idinkoo tagi.”
  8. Wuxuuna ka yeelay burbur koodii waynaa mooye inay xaggiisa u-noqdaan [inuu jajabiyey isagu].
  9. Waxay dheheen, “Yaa ku falay sidan ilaahyadannadii? Kaasi waa daalime.”
  10. Waxayna dheheen, “Waxaan maqallay wiil sheegi lana dhaho Ibraahiim.”
  11. Waxay dheheen, “Keena dadka indhihiisa inay ku marag furaan.”

 

Nabi Ibraahiim Eebbaa hanuuniyey mar hore, wuxuuna ka reebay qawmkiisii iyo aabbihiisba waxay caabudayeen ee Eebbe kasoo hadhay, wayse ku madax-adaygeen inkastoos u-caddeeyey kalinimada Eebbe iyo awooddiisa, markuu ka daalayna wuxuu jajabiyey waxay caabudayeen kii u-weynaa mooyee inay u-noqdaan isaga, markay is-warsadeen cidda saas yeeshayna waxay isu-sheegeen inuu Ibraahiim yahay, waxayna hor-keeneen dadkii si loo arko oo loogu marag furo. Al-Anbiyaa’ (51-61)

 

  1. Waxay dheheen gaaladii, “Ma adaa ku falay sidan ilaahyadannada Ibraahiimow?”
  2. Wuxuu yidhi, “Waxaa falay kooda weyn ee kan ah, waydiiya hadday hadli.”
  3. Markaasay u-noqdeen naftooda waxayna isu-dheheen, “War idinkaa daalimiin ah.”
  4. Markaasaa loo gaddiyey madaxooda [waxayna dheheen] “Dhab baad u-ogtahay inayna kuwani hadlayn.”
  5. Wuxuu yidhi, “Ma waxaad caabudaysaan Eebbe ka-sokow waxaan idin anfacayn waxba idinna dhibayn.”
  6. “Uf [baa laydin yidhi] idinka iyo waxaad caabudaysaan Eebbe ka-sokow. Miyeydaan wax kaseyn?”
  7. Waxay dheheen, “Guba, una gargaara ilaahyadiinna haddaad wax falaysaan.”
  8. Waxaan nidhi, “Naaray u-noqo qabow iyo nabadgalyo Ibraahiim.”
  9. Waxay la dooneen dhagar waxaana ka yeellay kuwo khasaaray.

 

Nabi Ibraahiim markuu ka gar-helay gaaladii hadal cadna ku yidhi yey goosteen inay gubaan oo dab ku tuuraan, taasina waa caadada jaahiliinta in marka laga gar-helo mu‘miniinta ku jeedsadaan xumaanna u-maamulaan, Eebbaase ka nabad-galiyey dhagartii, kana koriyey dabkii, gaaladii iyo waxay caabudayeenna khasaare ku dambaysiiyey, wuxuuna xusay Nabi Ibraahiim Eebbe markii lagu tuuray dabka. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “’Waxaa i kaafiya Eebbe isagaana u-fiican wakiil’ waxaa yidhi Nabi Ibraahiim markii dabka lagu tuuray, Nabiga Muxammad ahna Eebbe ha nabadgaliyee markii lagu yidhi ‘Dadkii baa idiin kulmay.’” Waxaa wariyey Bukhaari. Taasina waxay ku tusin in Xaqu sarrayn guulaysanna markii si dhab ah Eebbe loogu xidhnaado lana caabudo. Al-Anbiyaa’ (62-70)

 

  1. Waannu u-korinnay [Nabi] Ibraahiim iyo Nabi Luud dhulkii aan u-barakaynay caalamka [Shaam].
  2. Waxaan siinnay Isxaaq iyo Yacquub oo siyaada ah, waxaana ka yeellay dhammaan kuwo suubban.
  3. Waxaana ka yeellay imaamyo ku hanuuniya amarkannaga, waxaana u-waxyoonnay falidda khayrka, oogidda salaadda iyo bixinta zakada, waxayna ahaayeen kuwo na caabuda.
  4. [Nabi] Luudna waxaan siinnay xukun iyo cilmi, waxaana ka korinnay magaaladii ahayd mid fasha xumo, waxay ahaayeen qawm xun oo faasiqiin ah.
  5. Waxaana galinnay naxariistannada, wuxuuna kamid ahaa kuwa suubban.
  6. [Nabi] Nuuxna waa korinnay, markuu dhawaaqay mar hore, waana ajiibnay, waana ka korinnay isaga iyo ehelkiisaba murugadii waynayd.
  7. Waana uga gargaarnay qawmkii beeniyey aayaadkannaga, waxayna ahaayeen qawm xun waana maanshaynay dhammaantood.

 

Aayadahanna waxay ka warrami qaar kamid ah Nabiyadii sida Nabi Ibraahiim, Luud, Isxaaq, Yacquub iyo Nuux, iyo sida Eebbe uga koriyey qawmamkoodii daalimiinta ahaa ee Xaqa ka jeedsaday kana madax-adaygay, cidhibtii fiicnaydna waxay u-hadhay Nabiyadii iyo mu‘miniintii Xaqa ku raacday, khasaare iyo halaagna wuxuu u-dambeeyey gaaladii Xaqa diiday. Warka Nabiyadaasna meelo badan oo Qur’aanka ah yuu faahfaahsan yahay, waxaase muhiim ah in lagu waano-qaato Xaqana la raaco. Al-Anbiyaa’ (71-77)

 

  1. Xusuuso [Nabi] Daawuud iyo [Nabi] Suleymaan markay xukumayeen beerta markuu daaqay adhi qawm [dad] waxaana ahayn kuwa xukunkooda u marag ah [arka].
  2. Waxaana fahansiinnay Sulaymaan, dhammaanna waxaan siinnay xukun iyo cilmi, waxaana u-sakhirray Daawuud buuraha iyagoo la tasbiixsan iyo shimbiraha, waana fallaa [karnaa].
  3. Waxaana barray Daawuud samaynta duruucda inay idinka dhawrto dagaalkiinna, ee ma tihiin kuwo mahadin?
  4. Suleymaanna waxaan u-sakhirray dabaysha iyadoo daran oo ku socota amarkiisa xaggii dhulkii ahaa kaan barakaynay dhexdiisa, waxaana nahay kuwo wax walba og.
  5. Shaydaamadana, waxaan uga sakhirray kuwo u-dhumban [badda], una fala camal aan kaas ahayn, annagaana ilaalinna.

 

Sidoo kale Nabi Daawuud iyo wiilkiisii Nabi Sulaymaan iyagana Qur’aanku meeluu kaga hadlay, mid walbana wuxuu Eebbe siiyey xukun iyo cilmi, waxaana loo sahlay Daawuud buuraha, shimbiraha iyo sameynta qalabka dagaalka, sidoo kale waxaa loo fududeeyey Nabi Suleymaan dabaysha oo ku socon amarkiisa iyo shayaadiinta kuwo ka shaqeeya bad iyo shaqa kalaba. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Garsoorayaashu waa saddex: mid Jannaduu gali, labana Naarta, midka Xaqa yaqaan oo xukuma Jannaduu gali, mid jaahilnimo wax ku xukuma Naartuu gali, mid Xaqa yaqaan oo xukuma wax ka duwanna Naartuu gali.” Taasina waxay ku tusin ahmiyadda cadaaladda iyo in dadku ku qaybsami, ama Janno ama Naar. Al-Anbiyaa’ (78-82]

 

  1. [Xusuuso] Ayuubna markuu u-dhawaaqay Eebbihiis [isagoo dhihi] “Aniga waxaa i taabtay dhib adiguna waxaad tahay naxariis badane.”
  2. Waana ajiibnay waxaana ka faydnay waxa haya oo dhib ah, waxaana siinnay ehelkiisii iyo wax lamid ah naxariis xaggannaga ah darteed iyo waanada caalamka.
  3. Xusuuso Ismaaciil, Idriis iyo Dulkifli, dhammaan waxay kamid ahaayeen kuwa samra.
  4. Waxaana dhex-galinnay naxariistannada waxayna kamid ahaayeen kuwa suubban.
  5. Nabi Yuunus [xusuuso] markuu tagay isagoo cadhaysan una maleeyey inaanaan cidhiidhyayn korkiisa oo uu ku dhawaaqay mugdiyada dhexdooda, “Ilaah aan adi ahayn ma jiro nazahnaantaada anigu waxaan kamid ahaa kuwa daalimiinta ah.”
  6. Waana ajiibnay kana korinnay murugtii, saasaana u-korinnaa mu‘miniinta.
  7. Zakariyana [xusuuso] markuu u-dhawaaqay Eebbihiis isagoo leh, “Eebbow hayga tagin anoo kali ah adaa u khayr-roon cid wax dhaxashee [u-hadhee].”
  8. Waana ajiibnay waxaana siinnay Yaxye, waxaana u-hagaajinnay haweenaydiisii, waxayna ahaayeen kuwo u-degdega khayraadka oo na barya iyagoo rajayn oo cabsan waxayna ahaayeen kuwa noo khushuuca.

 

Aayadahan waxay ka warrami xaalkii Nabiyadaas iyo sida Eebbe u-ajiibay dhammaantood ugana koriyey dhibkii, saasaana Eebbe u-aqbalaa baryada dadka dhibban ee wanwanaagsan, waxaana shardi ah in si dhab ah loo caabudo Eebbe looguna hoggaansamo Xaqana la raaco xumaanna laga fogaado. Al-Anbiyaa’ (83-90)

 

  1. [Xusuusana] tii dhawrtay xubinteedaa [waa Maryama] oon ku afuufnay dhexdeeda ruuxdannadii kana yeellay iyada iyo wiilkeeda calaamadda caalamka.
  2. Tani waa Diintiinnii waana Diin kaliya aniguna waxaan ahay Eebbihiin ee i caabuda.
  3. Waxayse isku-khilaafeen amarkoodii dhexdooda dhammaanna xaggaygaa loosoo celin.
  4. Ruuxii fala wanaag isagoo mu‘min ah lagama qariyo camalkiisa, annaguna waan u-qoraynaa.
  5. Waxaa ka reebban magaalo aan halaagnay inay soo noqoto [soo-bixin kahor].
  6. Inta laga furi [soo-dayn] Ya’juuj iyo Ma’juuj, iyaguna jaho sarreysa dhammanteed yey kasoo degdegi.
  7. Waxaa dhawaaday yaboohii Xaqa ahaa waxaana soo bixi inay taagnaan indhaha kuwa gaaloobay [iyagoo dhihi] “Halaaggannagee waxaan kaga sugnayn halmaansho kan waxaanse ahayn daalimiin.”

 

Maryam bintu Cimraanna wax badan yuu Qur’aanku ka warramay sharafteedii iyo sida Eebbe u-dhawray ugana yeelay iyada iyo wiilkeedii aayad iyo calaamad caalamka. Eebbana waa kali wuxuuna mutaa in Isaga uun la caabudo, dadkiise way kala tageen oo is-khilaafeen. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Annagu Nabiyada haddaan nahay Diintannadu waa mid (kaliya).” Taasoo macnaheedu yahay in waxyaabaha waaweyn Diimuhu iskaga mid yihiin. Eebbaase loo noqon cid walbana ka abaal-marin waxay kasbatay, cid la halaagayna adduunka umasoo noqoto inta dadka lagasoo bixin oo Qiyaame la gaadhi oo ay kasoo bixi Ya’juuj iyo Ma’juuj oo waqtigu ka dhawaado, markaasoo kuwa gaaloobay ay indha taagi iyagoo sheegi inay halaagsameen daalimiinna ahaayeen, halmaanshana kaga sugnaayeen Qiyaamada, waxse ma taro calaacal waqtigaas ee waxaa wax tari wanaaggii la hor-marsaday. Al-Anbiyaa’ (91-97)

 

  1. Idinka iyo waxaad caabudaysaan oo Eebbe kasoo hadhay waxay noqon shidaalka Jahannamo idinkuna waad ku arooraysaan.
  2. Hadday yihiin kuwaasu ilaahyo kuma arooreen, dhammaanna way ku waari.
  3. Waxay ku yeelan dhexdeeda qaylo, waxna dhexdeeda kuma maqlaan.
  4. Kuway u hor-martay xaggannaga wanaag kuwaasu xaggeeda waa laga fogayn.
  5. Mana maqlaan shanqadhteeda iyaguna waxay doonto naftoodu yey ku waari.
  6. Mana walbahaariyo argaggaxii waynaa, waxayna kula kulmi malaa‘igtu “Kani waa maalintiinnii ah tii laydiin yaboohay.”
  7. Waana maalintaan u-duubayno samada sida loo duubo warqadaha Kitaabka, sidaan ku billownay abuuriddii hore yaana kusoo celinaynaa, waa yabooh korkannaga ah, annagaana falna saas.
  8. Dhab ahaan waxaan ugu qorray Zabuur sheegid kadib [Lawxul Maxfuudka] “Dhulka waxaa dhaxli addoomadayda suubban.”
  9. Kan gaadhsiin baa ugu sugan ciddii caabudi [Eebbe].
  10. Kumana aanaan dirin naxariista caalamka adoo ah mooyee.

 

Ciddii wax Eebbe kasoo hadhay caabudda iyo cidday caabudeenba oo ka raalli ah waxay noqon shidaalka Naarta, ciddii wanaag ugu hor-maray Eebbe waa laga fogayn, mana maqlo shanqadheeda, wuxuu doonana Jannaduu ka helaa, mana ka naxo argaggaxa Qiyaamada, malaa‘igtaana u-bishaarayn, waana maalinta cirka la duubi, dhulka Jannada iyo kan adduunba waxaa u-hadhi mu‘miniinta suubban, Qur’aankuna waa gaadhsiin Rasuulkuna waa naxariista caalamka, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa yeelee) wuxuu yidhi, “Layma bixinin anoo wax lacnada ee waxaa uun lay bixiyey anoo naxariis ah.” Muslim. Al-Anbiyaa’ (98-107)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Waxaa uun lay waxyooday aniga in Ilaaheennu Ilaah kaliya yahay ee idinku Muslimiin ma tihiin [ma hoggaansameysaan]?”
  2. Haddayse jeedsadaan waxaad dhahdaa, “Waxaan idin ogaysiiyey si siman [cad] colnimo mana ogi inay dhawdahay ama fog tahay waxa laydiin yaboohay.”
  3. Eebbe wuxuu ogyahay waxa lala qayliyo oo hadal ah wuxuuna ogyahay waxaad qarinaysaan.
  4. Mana ogi waxay u-dhawdahay inay fitno idiin tahay iyo raaxo tan iyo muddo.
  5. Wuxuu yidhi [Nabigu] “Eebbow ku kala-xukun [dhexdannada] Xaq, Eebbahanana waa Raxmaan ee looga kaalmo-waydiisto waxaad sheegaysaan.”

 

Eebbe waa kali, Isagayna waajib tahay in loo hoggaansamo, ciddiise jeedsata ha ogaato si cad inay Eebbe iyo Rasuulkiisa la collowday, kolleyna waa kii gaalo la ciqaabo ama ha dhawaato ama ha dib-dhacdo muddee, Eebbana waa ogyahay wax kasta ama hala muujiyo ama hala qarsadee, dib u-dhigidda ciqaabtuna waxaa suurowda inay tahay imtixaan iyo u-raaxayn muddo. Eebbana isagaa ah Xaakimka Caadilka ah, sharcigiisaana caadil ah, isagaana looga kaalmo-waydiistaa dhibaatada iyo waxay gaaladu sheegi oo xumaan ah. Nabiga iyo Nabiyadii kalaba (nabadgalyo Eebbe korkooda ha yeelee) waxay dhihi jireen, “Eebbow caddaalo nagu kala xukun annaga iyo qawmkannaga.” Al-Anbiyaa’ (108-112)

 

Suurat Al-Xajj

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Dadaw ka dhawrsada Eebbihiin maxaa yeelay gilgilashada Saacadda [Qiyaame] waa wax wayn [daran].
  2. Waana maalintaad arkaysaan iyadooy halmaami mid wax nuujisa dhammaanteed waxay nuujinaysay, ooy dejin [tuuri] mid kastoo uur leh uurkeeda, waxaadna arkaysaa dadkoo waalan, mana aha kuwo [dhab] u-waalan ee cadaabka Eebbaa daran.
  3. Dadka waxaa kamid ah ruux ku murmi Eebbe cilmi-la‘aan oo raaci shaydaan kastoo madax-adag.
  4. Waxa loo qoray [Shaydaan] ruuxii talada u-dhiibta [raaca] inuu baadiyeeyo kuna toosiyo cadaabka.

 

Suurraddan waxaa lagu magacaabaa Suuradda Xajka, maxaa yeelay waxay ka warrantay Xajka iyo waxa la xidhiidha, waxayna ku billaabatay shiddada Qiyaamada iyo inay dadku ka dhawrsadaan dhibaatadaas, waxaana looga dhawrsan camal fiican, dadkuna maalintaas waxay la kulmi arrin wayn inta laga moodo inay waalan yihiin iyagoon waallayn ee waa uun dhibka, wixii ilma ah oo la nuujin haya ama uurka ku jirayna la tuuro. Tan kale ma habboona in cilmi-darro lagu doodo Eebbe iyo Diinta, lana raaco Shaydaan wax dhumiya, Naartana u-hoggaamiya. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaa laydin soo kulmin Qiyaamada idinkoo kaba-la‘ oo qaawan, oon gudnayn.” Caa‘isha waxay tidhi, “Rasuulka Eebbow ragga iyo haweenku mays dhawri?” Markaasuu yidhi Nabigu, “Caa‘ishoy xaalku waa ka daran yahay in waxaasi shuqliyo.” Taasina waxay ku tusin dhibaatada Qiyaamada. Al-Xajj (1-4)

 

  1. Dadow haddaad tihiin kuwo shakisan soo-bixinta Annagaa idinka abuurnay carro, haddana dhibic haddana calaqo, haddana goosin la abuuray iyo midaan la abuurin si aan idiinku caddayno [qudrada Eebbe] waxaana ku sugnaa makaanka waxaan doonno tan iyo muddo magacaaban, markaasaan idin soo bixinaynaa idinkoo yar, markaas inaad gaadhaan xooggiinna, waxaa idin kamid ah cid la oofsan [dhiman] waxaana idin kamid ah kuwo loo celin cimri liita [gabow] si ayna u-garanin intay wax yaqiineen kadib waxba, waxaad arkaysaa dhulkoo abaar [dhimaad] ah markaan kusoo dejinno korkeeda biyana way gilgilataa wayna kortaa, waxayna soo bixisaa nooc kastoo quruxsan.
  2. Taasna waxaa ugu wacan in Eebbe uun Xaq yahay uuna nooleeyo waxa dhintay iyo inuu wax walba karo.
  3. Iyo in Saacadda [Qiyaame] iman shaki-la‘aan, Eebbana wuxuu soo bixin waxa qubuuraha ku sugan.

 

Dadka kuma habboona inay diidaan soo-bixinta maxaa yeelay waxay soo mareen abuurid kala-duwan laga billaabo dhibic ilaa intay ka gaboobaan, arrintaasuna ugu filan waano, waxaa kaloo waano ugu filan roobka iyo doogguu soo bixiyo abaar kadib, taasina waxay sugi awoodda Eebbe iyo Xaqnimadiisa iyo in Qiyaamadu imaan shaki-la‘aan iyo Eebbe inuu soo bixin waxa dhintay. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Abuuridda midkiin waxaa lagu kulmiyaa uurka hooyadii afartan dhibic, markaas xinjir in lamid ah, haddana goosin sidoo kale, markaas malag loo bixiyaa waxaana la faraa afar kalimo waxaana la qoraa rizqigiisa, camalkiisa, ajashiisa xumaan iyo liibaan, markaasaa lagu afuufaa ruuxda.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Taasina waxay ku tusin in dadaal fiican la dadaalo iyadoo la ogyahay in Eebbe wax walba qaddaray. Al-Xajj (1-7)

 

  1. Dadka waxaa kamid ah mid ku doodi Eebbe cilmi-la‘aan iyo hanuun-la‘aan iyo kitaab wax nuurin la‘aantiis.
  2. Oo dadbi luqunta [is-kibrin] inuu ka dhumiyo Jidka Eebbe, wuxuu mudan adduunyada dulli waxaana dhadhansiin maalinta Qiyaame cadaab wax guba.
  3. Taasna waa waxay hor-marsatay gacmahaagu, Eebbana ma aha dulmiyaha addoomada.
  4. Waxaa kamid ah dadka mid u-caabudi [Eebbe] dhinac [shaki] hadduu soo gaadho khayra xasilo, hadduu soo gaadho imtixaan [dhibna] u-gaddooma wajigiisa [gaalooba] wuxuu khasaariyey adduun iyo Aakhiraba kaasina waa khasaaraha cad uun.
  5. Wuxuu caabudi [baryina] Eebbe ka-sokow waxaan dhibayn anfacaynna, kaasina waa uun baadida fog.
  6. Wuxuu caabudi wax dhibkiisu ka dhawyahay nafcigiisu, isagaa u-xun sokeeye una-xun la-noolaadi.

 

Waxaa kamid ah dadka kuwo ku murmi Ilaahay cilmi iyo hanuun iyo kitaab cad la‘aantiis, ee kibir iyo iska-weyni uun la jooga, inay dadka Xaqa ka leexiyaan, kuwaasuna waxay mudan dulli adduun iyo cadaab Aakhiro, lamana dulmiyin ee waa waxay hor-marsatay gacantiisu, waxaa kaloo kamid ah kuwa Eebbe u-caabudi dhinac oo hadduu khayr helana xasila, haddii dhib ku yimaadana gaalooba, kaasina waa mid iska-khasaariyey adduun iyo Aakhiraba, waana khasaaraha dhabta ah, wuxuuna caabudi Eebbe ka-sokow waxaan waxba tarayn, dhibkiisuna ka dhawyahay nafcigiisa, kaasaana u-xun sokeeye iyo cashiir. Ibnu Cabbaas wuxuu sheegay in baaddiyihii Carbeed markay khayr helaanna dhihi jireen, “Waa Diin fiican,” marka dhib ku yimaadana dhihi jireen, “Waa Diin xun,” markaasaa Eebbe soo dejiyey aayadahan, Diintuna waa uun Xaq, ama barwaaqo ha timaaddo ama dhib ha yimaadee. Al-Xajj (8-13)

 

  1. Ilaahay wuxuu galiyaa kuwa rumeeyey [Xaqa] oo falay camal fiican Jannooyin ay socoto dhexdeeda wabiyaal, Eebbana wuxuu falaa wuxuu doono.
  2. Ciddii u-malayn inuusan u gargaarayn Eebbe Nabigiisa adduun iyo Aakhiraba ha u-fidiyo xadhig xagga samada hana isku-gooyo [marjiyo] hana dayo inay dhagartiisu tegsiiso waxa cadho-galin.
  3. Saasaana kuugu soo dejinnay aayaad cad Eebbana wuxuu hanuuniyaa cidduu doono.
  4. Kuwa rumeeyey [Xaqa] iyo kuwa yuhuudoobay iyo Saabi’inta [xiddigaha caabuda] iyo Nasaarada iyo Majuusiga iyo mushrikiinta Eebbaa kala-bixin dhexdooda maalinta Qiyaame, Eebbana wax kasta wuu arkaa.
  5. Miyaadan arkayn inay Eebbe u-sujuudi waxa samooyinka iyo dhulka iyo qorraxda iyo dayaxa iyo xiddigaha iyo buuraha iyo geedaha iyo xayawaanka iyo wax badan oo dadka ah, wax badanna waxaa ku sugnaaday korkooda cadaab, ruuxuu ihaaneeyo Eebbana ma laha wax sharrifi, Eebbana wuxuu falaa wuxuu doono.

 

Ciddii wanaag fasha waxaa lagu abaal-marin wanaag, ciddiise u-malayn Nabiga inaan Eebbe u-gargaarayn adduun iyo Aakhiraba hadduu doono cadho ha u-dhinto bal inay wax u-tarto, Eebbana Qur’aan cad yuu soo dejiyey, Eebbaana hanuuniya cidduu doono, dhammaanna Muslim iyo gaalo Eebbaa kala-bixin Qiyaamada, wax kastana Ilaahay buu u-sujuudaa, oo u-khushuucaa una hoggaansamaa, sujuudduna ma aha tan dadkoo kale ee wax kasta wuxuu u-sujuudaa si ku habboon, waxaana sugnaatay in Shaydaanku qoomamayn markuu galo Naarta mu‘miniintuna Jannada oo sheegi inuu khasaaray markuu diiday sujuudda. Waxayna ku tusin in ciddii sujuudi wayda ay raacday Shaydaan kana leexatay Jidka Toosan. Al-Xajj (14-18)

 

  1. Labadani waa doodayaal, waxayna ku doodeen Eebbahood, kuwa gaaloobay waxaa loo goyn maryo Naar ah waxaana lagu shubi korkooda biyo kulul.
  2. Waxaana lagu gubaa [lagu dhalaaliyaa] waxa caloosha ku jira iyo jidhka [haragga].
  3. Waxay mudan budhadh bir ah.
  4. Markastooy doonaan inay ka baxaan xaggeeda walbahaar dartiis waa lagu celiyaa dhexdeeda [waxaana la dhahaa] “Dhadhamiya cadaabka gubidda.”
  5. Eebbana wuxuu galiyaa kuwa rumeeyey [Xaqa] oo fala camal fiican Jannooyin ay dureeri dhexdeeda wabiyaal, waxaana loogu xidhaa dhexdeeda jinjimo dahab ah iyo jawhar, dharkooduna dhexdeeda waa xariir.
  6. Waxaana lagu hanuuniyey wanaagga hadalka waxaana lagu hanuuniyey jidka la mahdiyo.
  7. Kuwa gaaloobay oo ka celiya Jidka Eebbe iyo Masaajidka Xurmaysan ee looga yeelay dadka sinnaan mid ku nagi iyo mid meel ka yimidba ciddii la doonta dhexdiisa leexin dulmi ah [xumaan] waxaannu dhadhansiin cadaab daran.

 

Kuwa Xaqa ku socda iyo kuwa gaalaada ah waa labo kooxood oo ku doodi Eebbe, markaasaa Eebbe gaalana si darran u-ciqaabi, mu‘miniintana Janno iyo wanaag ku abaal-marin, maxaa yeelay wanaag baa Eebbe ku toosiyey, ciddiise gaalowda oo ka celisa dadka Jidka Eebbe iyo Masaajidka Xurmaysan ee Eebbe u-simay mu‘miniinta iyo ciddii wax qallooca iyo dulmi kula timaadda dhexdiisa wuxuu ku abaal-marin cadaab daran. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Dulmigaas waa inaad ku bannaysataa Xaramka wax lagaa reebay oo xumaan ah ama dil xaq-darro.” Ciddii saas fashana waxay mudan cadaab daran. Al-Xajj (19-25)

 

  1. [Xusuuso] markaan u-muujinnay [Nabi] Ibraahiim meesha Baytka [Kacbada] Annagoo ku dhihi, “Hala wadaajin Eebbe [cibaadada] waxba, u-daahirina Gurigayga kuwa dawaafi iyo kuwa taagan iyo kuwa ku rukuucsan ee sujuudsan.”

 

  1. “Ogaysiina dadka Xajka ha kuu yimaadeen iyagoo lugayn iyo mid bog dheer dhammaanteed oo ka iman jaha kasta oo dheer.”
  2. “Inay joogaan [u-yimaadaan] nafcigooda dartiis, oy xusaan magaca Eebbe maalmo la-yaqaan, waxa Eebbe ku arzaaqay oo ah xayawaanka nicmoolayda, ka cuna xaggeeda quudiyana kan dhibaataysan ee faqiirka ah.”
  3. “Markaas ha dhammeeyeen basaastooda, hana oofiyeen nadarkooda, hana dawaafeen Baytka horreeyey.”

 

Waxaa Eebbe tusiyey Nabi Ibraahiim Kacbada wuuna dhisay isagoo faray inuu gaalnimada ka nadiifiyo, dadkana Xajka ugu yeedho, si ay meel kasta uga yimaadaan, una helaan nafci adduun iyo mid Aakhiraba, una xusaan Eebbe, hadyo xoola ahna ugu gawracaan waxna ka cunaan kana quudiyaan masaakiinta iyo kuwa dhibaataysan, basaastana iska bi’iyaan oofiyaanna nadarka, dawaafaanna Baytka horreeyey. Saasaad u-aragtaa in si daran loo yimaado Makka Xaj iyo Cumro, loogana helaa wanaag iyo khayr adduun iyo Aakhiraba, waana Masaajid sharaf leh oy Kacbadu ku taal oy waajibna tahay in la weyneeyo, waxaana sugnaatay in Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) la warsaday “Masaajidkee u-horreeyey?” uuna yidhi, “Masaajidka Xurmaysan,” lana yidhi, “Yaa ku xigay?” yidhina “Baytul Maqdis.” “Imisaa u-dhaxaysay?” markii la yidhina uu yidhi, “Afartan sano.” Kacbaduna waa tan ula jeedsadaan Muslimiintu salaadda kuna tusin midnimada iyo sinaanta iyo isu-naxariisashada, waana sharafta Islaamka iyo muuqiisa. Al-Xajj (26-29)

 

  1. Waa saas, ruuxii wayneeya wuxuu reebay Eebbe saasaa u khayr-roon Eebbihiis agtiisa, waxaana laydiin banneeyey nicmoolayda waxa laydinku akhriyo mooyee, ee ka dheeraada xumaanta ah sanamyada kana dheeraada hadalka beenta ah.
  2. Idinkoo u-toosan Eebbe oon mushrikiin ahayn, ruuxii u shariik-yeela Eebbe wuxuu lamid yahay mid kasoo dhacay samada oy dafi shimbirtu ama ay ku tuuri dabayshu meel dheer oo halaag ah.
  3. Waa saas ruuxii wayneeya amarrada Eebbe [sharcigiisa] taasi waa dhawrsashada quluubta.
  4. Waxaa idiinku sugnaaday [hadyada] nafci tan iyo muddo markaas waxay ku dhammaan Baytka horreeyey.
  5. Ummad kasta waxaan u-yeellay cibaado [ciid] inay ku xusaan Eebbe wuxuu ku arzaaqay oo xayawaanka nicmoolayda ah, Ilaahiinna waa Ilaah kaliya ee u-hoggaansama una bishaaree kuwa xasilloon [ee cabsada].
  6. [Ee ah] kuwa marka la xuso Eebbe ay cabsato quluubtoodu, kuna samra waxa ku dhaca ee ooga salaadda, waxaan ku arzaaqnayna wax ka bixiya.

 

Saan soo sheegnay suuraddan waxay ka warrami camalka Xajka, halkanna wuxuu Eebbe fari in la dhawro sharcigiisa, lagana dheeraado gaalnimada iyo beenta, illeen ciddii Eebbe wax la caabudda waa midday ku dhacday khasaare waxayna kale oy ka warrami aayaduhu hadyada la gawrici Xajka iyo habkeeda iyo in Eebbe kaliya la caabudo loona hoggaansamo sharcigiisa, kuwaas saas falana waa kuwa qalbigoodu cabsado oo samra, oo salaadda ooga, zakadana bixiya. Rasuulkuna (naxariis iyo nabad-galyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Maragga beenta ah wuxuu la sinnaaday Eebbe wax lala caabudo,” wuxuuna akhriyey aayadda. Taasina waxay ku tusin xumaanta beenta iyo inay khatar tahay inay kala mid noqotay gaalnimada. Al-Xajj (30-35)

 

  1. Loogga [hadyada] waxaan idiinka yeellay sharciga calaamooyinka Eebbe waxaana idiinku sugan dhexdeeda khayr ee ku xusa magaca Eebbe korkeeda iyadoo jilib xidhan, markay u-dhacdo dhinacna wax ka cuna, kana quudiya kan dhawrsoon iyo kan warsanba, saasaana idiinka fududaynaa, inaad mahdisaan.
  2. Ma gaadho Eebbe hilibkeedu iyo dhiiggeedu waxaase gaadha ka-dhawrsoonidiinna, saasaana Eebbe idiinku fududeeyaa inaad ku waynaysaan wuxuu idinku hanuuniyey una bishaaree kuwa wanaagga fala.
  3. Eebbana wuu daafacaa kuwa rumeeyey [Xaqa] Eebbana ma jecla mid kastoo khayaamo badan oo gaalnimo badan.
  4. Waxaa loo idmay kuwa lala dagaallami [inay dagaallamaan] maxaa yeelay waa la dulmiyey Eebbena gargaarkooda wuu karaa.
  5. Waana kuwa laga bixiyey guryahoodii xaq-darro iyo inay dheheen “Eebbahanno waa Ilaahay,” haddayna jirin ku-daaficidda Eebbe dadka qaarkood qaar waxaa la dumin lahaa macaabidda [Yuhuud], iyo biyac [kaniisadaha] iyo kaniisadda dad kale, iyo masaajidda lagu xuso dhexdeeda magaca Eebbe wax badan, wuuna u-gargaari Eebbe ciddii u-gargaarta [Diintiisa] Eebbana waa xoog-badane adkaada.

 

Xoolaha Eebbaa noogu nicmeeyey, cunno, cabbid, rarasho, korid iyo waxyaalo kale, hadyana Xajkaa loogu qalaa waxaana wax laga siiyaa kuwa baahan, Ilaahayna dan kama leh hilibkeeda iyo dhiiggeeda ee wuxuu ka abaal-mariyaa wanaagga, Eebbaana daafaca mu‘miniinta dhabta ah loona idmay inay dagaallamaan, illeen waa la dulmiyey oo xaq-darro looga soo bixiyey guryahoodiiye, haddaan Eebbe mu‘miniinta ku daaficin gaaladana waxaa la dumin lahaa meelaha lagu caabudo Eebbe. Al-Xajj (36-40)

 

  1. Waana kuwa haddaan makanino dhulka ooga salaadda oo bixiya zakada oo fara wanaagga oo ka reeba xumaanta, Eebbaana iska-leh cidhibta arrimaha.
  2. Hadday ku beeniyaan waxaa beeniyey hortood qawmkii [Nabi] Nuux iyo Caad iyo Thamuud.
  3. Iyo qawmkii [Nabi] Ibraahiim iyo qawmkii [Nabi] Luud.
  4. Iyo ehelkii Madyan, waana la beeniyey [Nabi] Muuse, waana sugay gaalada markaasaan qabtay ee see noqday ciqaabkii?
  5. Maxay badan tahay magaalo aan halaagnay iyadoo gar-daran iyaduna u-dhacday darbiyadeedii iyo ceel la halleeyey iyo daar wayn [markii la halaagay dadkii].
  6. Miyeyna ku soconin dhulka oy u-ahaato quluub ay wax ku kasaan ama dhago ay wax ku maqlaan, indha-beelka dhabta ahna waa indho-beelka quluubta ku sugan laabta.

 

Kuwa Eebbe u-yaboohay una-gargaaro waa kuwa niyeysan hadduu Eebbe makaniyo dhulka ku maamuli Diinta Eebbe iyo sharcigiisa, oo dhawri salaadda, zakada, wanaag-faridda, xumaan ka-reebidda, iyo khayr oo dhan. Kuwaan saas ahaynse siday ku mudan gargaar Eebbe? Ciddiise beenisa Nabiga iyo Xaqa, waxay lamid noqon kuwii hore ee beeniyey lana ciqaabay, imisaana la halaagay magaalo kibirtay oy guryihii, ceelashii iyo meel kastaba cidlowday? Wayna arki kartaa ciddii marta dhulka. Indha-la‘aanta dhabta ahna waa tan qalbiga mar haddaan Xaqa, hanuunka iyo Nuurka Eebbe lagu garanayn. Al-Xajj (41-46)

 

  1. Waxay dedejisan cadaab, mana baajinaayo Eebbe yaboohiisa, maalin Eebbe agtiisana waxay lamid tahay kun sano oo waxaad tirinaysaan.
  2. Badanaa magaalo aan u-sugnay [u-kaadinnay] iyadoo daalimad ah, markaas aan qabtay, xaggayga un baana loo ahaan.
  3. Waxaad dhahdaa, “Dadow waxaan uun anigu idiin ahay dige cad.”
  4. Kuwa rumeeyey [Xaqa] oo falay camal fiican waxay mudan dambi-dhaaf iyo rizqi sharaf leh [Janno].
  5. Kuwa u-socda [xumaanta] aayaadkannaga oo [isku-dayi] inay na daaliyaan kuwaasu waa ehelka Jaxiimo.

 

Mana habboona in lasoo dedejisto ciqaabta Eebbe iyo cadaabkiisa, illeen Eebbe ma baajiyo yaboohiisee, maalintuna Eebbe agtiisa waxay lamid tahay kun sano oo waxa la tiriyo ah. Waxaana sugnaaday in Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) “Waxay gali fuqarada Muslimiintu Jannada kahor kuwa xoolaha leh maalin nuskeed, shan boqol oo sano.” Cid kastoo la halaagana Eebbe un bay la kulmi oo abaal-marin. Nabiguna waa u-digaha dadka, ciddii wanaag fashana waxay mudan dambi-dhaaf iyo rizqi sharaf leh, kuwa Xaqa ka hor-imaanna waa ehelka Naarta. Mana sinna xumaanle iyo sama-fale Xaqa raaca oo wanaag u-horseeda. Al-Xajj (47-51)

 

  1. Rasuul kastoon dirray ama Nabi hortaa, markuu wax akhrin wax buu ku tuuraa Shaydaanku akhriskiisa, markaasuu baabi’yaa Eebbe wuxuu tuuri Shaydaanku wuxuuna sugaa aayaadkiisa, Eebbana waa ogaade falsan.
  2. Si uu uga yeelo waxa Shaydaanku tuuri fitno kuwa quluubtoodu bugto ee ka ingagan quluubta, daalimiintuna waxay ku sugan yihiin khilaaf [baadi] fog.
  3. Inay ogaadaan kuwa cilmiga la siiyey [mu‘miniintu] inuu yahay Xaq Eebbe ka yimid [Qur’aanka] oy rumeeyaan, oy u-khushuucdo dartiis quluubtoodu, Eebbana wuu ku hanuunin kuwa rumeeyey [Xaqa] Jid Toosan.
  4. Kana tagaan kuwa gaaloobay shaki intay ugu timaaddo Saacaddu kado ama u-yimaado cadaab maalin daran.
  5. Xukunka maalintaas Eebbaa iska leh, wuuna kala-xukmin dhexdooda, kuwa rumeeyey [Xaqa] oo falay camal fiican waxay gali Jannada Naciimo.
  6. Kuwa gaaloobay oo beeniyey aayaadkannagana kuwaas waxaa u-sugnaaday cadaab wax dulleeya.

 

Qisada kutubta qaarkeed qorto oo ku saabsan in Shaydaan Nabiga wax ugu tuuray intuu sanamyada sheego ma aha wax sugan, waana ka dhawrsan yahay Nabigu arrintaas, hase yeeshee gaaladaa Shaydaan moodsiiyey arrintaas, Eebbana xumaanta wuu tiraa Xaqana wuu sugaa, si cidduu dhuminna u-muuqato tii toosnaanna u-muuqato, iyo inay mu‘miniintu ogaadaan Xaqa jidka ku toosan, gaalana xumaan ma dayso intay uga timaaddo Saacadda ama ciqaab daran, xukunka Qiyaamadana Eebbaa iska leh, isagaana kala xukumi dhexdooda, kuwa fiicanna Jannuu galin kuwa xunna Naar daran, Nabiguna waa ka fog yahay inuu Shaydaan usoo dhawaado. Al-Xajj (52-57)

 

  1. Kuwa ku-hijrooday Jidka Eebbe haddana la dilo ama dhinta wuxuu ku arzaaqi kuwaas Eebbe rizqi wanaagsan, Eebbana waa ku khayr-roon yahay rizqigiisu.
  2. Wuxuuna galin meel ay ka raalli noqon [Janno] Eebbana waa oge dul-badan.
  3. Waa saas, ruuxii ciqaaba inta la ciqaabay oo kale markaas la gar-darraysto wuu u-gargaari Eebbe, Eebbana waa cafiye dhaafa.
  4. Waxaana ugu wacan in Eebbe galiyo habeenka maalinta, galiyana maalinta habeenka, Eebbana waa maqle arka.
  5. Waxaana ugu wacan taas in Eebbe Xaq [sugan] yahay, waxay caabudi oo kasoo hadhayna baadil yahay, Eebbana yahay Sarreeye Weyn.

 

Ciddii dar Eebbe u-hijroota oo Jahaad lagu dilo ama iska-dhimata wuxuu Eebbe ku arzaqaa rizqi wanaagsan oo ah inuu galiyo Janno ay ka raalli noqon. Tan kale ciddii la-dulmiyo lana gar-darraysto xaq-darro wuu u-gargaari Eebbe hadduu gargaar muto oo toosan yahay Xaqana ku joogo, wuxuu yidhi Shaxbiil binu Samda, “Waxaa dheeraaday nagaadigannagii dhulka Ruum, markaasuu na maray Salmaan (al-Faarisi) wuxuuna yidhi, ‘Waxaan maqlay Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) oo leh, “Ruuxii dhinta isagoo muraabid ah (gaalada dhulka ka dhawri) waxaa u-socon ajir lamid ah kaasoo kale, rizqina waa la siin waxaana laga nabad-galin kuwa wax fidmeeya.”’” Habeenka iyo maalintana Eebbaa iska leh maamulkooda, waana Eebbaha Xaqa ah, waxa la caabudo ee kasoo hadhayna baadil yahay waana Sarreeyaha Wayn, waana in Eebbahaas si dhab ah loo caabudo xagga caqiidada, xukunka, akhlaaqda, macaamilada, wax walbana lagu dhaqo sharcigiisa Xaqa ah, ee caadilka ah. Al-Xajj (58-62)

 

  1. Miyeydaan ogayn in Eebbe kasoo dejiyo samada biyo oo ahaado dhulku cagaar, Eebbana waa oge xeel dheer.
  2. Waxaa u-sugnaaday Eebbe waxa samaawaadka ku sugan iyo waxa dhulka ku suga, Eebbana waa hodan mahadsan.
  3. Miyeydaan ogayn in Eebbe idiin sakhiray waxa ku sugan dhulka iyo markabka socda badda dhexdeeda amarka Eebbe, wuxuuna ka hayaa samada inay ku dhacdo dhulka idinka Eebbe mooyee, Eebbana dadka waa u naxariis badane.
  4. Eebbana waa kan idin nooleeya, haddana idin dila haddana idin nooleeya, dadkuna waa diidmo-badane [nicmada Eebbe].
  5. Ummad kasta waxaan u-yeellay hab cibaado oy ku cibaadaysan ee yeyna kugula doodin amarka [Xaqa] uguna yeedh xagga Eebbahaa adigu waxaad ku sugan tahay hanuun toosane.
  6. Hadday kula doodaan waxaad dhahdaa, “Eebbaa og waxaad falaysaan.”
  7. Eebbana wuu kala-xukmin dhexdooda maalinta Qiyaame waxay isku-khilaafsanaayeen.

 

Waxaa ku tusin qudrada Eebbe iyo awooddiisa roobka doogga soo bixin, dhulkana cagaara oo qurxiya, iyo awooddiisa cirka iyo dhulka iyo hodanimadiisa. Waxaa kale oo tusin Ilaahnimadiisa sakhiridda waxa dhulka ku sugan iyo doonta ku socota badda amarka Eebbe iyo inuu cirka ka hayo inuu ku dhaco dhulka, waana u-naxariistaha dadka, waana kan wax nooleeya waxna dila, haddana nooleyn, dadse waa gaalnimo badane, ummad kastana Eebbe wuxuu u-yeelay cibaado ay gudato ee yaan Xaqa lagu kala murmin, uguna yeedh Xaqa waxaad ku sugan tahay Jid Toosane, hadday kula murmaanna Eebbaa og waxay fali isagaana kala xukumi dhexdooda Qiyaamada waxay isku-diiddan yihiin. Saas darteed waa inaad Xaqa ku toosnaato oon lagaa leexin war dad iyo dhagartiisna maqlin si uu kuugu gargaaro Eebbe una liibaantid. Al-Xajj (63-69)

 

  1. Miyaadan ogayn in Eebbe ogyahay waxa ku sugan samada iyo dhulka? Arrintaasna waxay ku sugan tahay Kitaab, arrintaasuna Eebbe waa u-fududdahay.
  2. Waxay caabudi Eebbe ka-sokow wuxuusan usoo dejinin xujo oyna u-lahayn cilmi, umana sugna daalimiinta gargaare.
  3. Marka lagu akhriyo korkooda aayaadkannaga oo cad cad waxaad ka garataa wajiyada kuwa gaaloobay diiddo, waxayna u dhaw yihiin inay ku boodaan [dhibaan] kuwa ku akhrin aayaadkannaga, waxaad dhahdaa, “Maydiinka warramaa wax ka shar badan taas? Waa Naar u-darbay Eebbe kuwa gaaloobay, iyadaana u-xun meel loo ahaado.”
  4. Dadow waxaa la-yeelay tusaale ee dhagaysta, kuwaad baryeysaan [caabudaysaan] Eebbe ka-sokow ma abuuraan daqsi haba u-kulmeene, hadduu ka qaato daqsi waxna kama ceshadaan, waxaa tabar yar kan wax dooni iyo kan la-dooni.
  5. Mayna waynayn Eebbe mudnida weynidiisa, Eebbana waa xoog-badane adkaada.

 

Eebbana waa ogyahay waxa cirka iyo dhulka ku sugan, wax walbana Kitaab bay ku sugan yihiin, Eebbana waa u-fududdahay xaalkaasu, mana habboona in la caabudo wax Eebbe kasoo hadhay oon waxba ahayn, wax Eebbe wax uga tarina ma jiro daalimiinta, marka Xaq-diidayaasha lagu akhriyo aayaadka Eebbe oo cad cad waxaad aragtaa wajiga gaalada oo diiddan oo u-dhaw inay ku boodaan cidda akhrin aayaadka Eebbe, waxaase shar ku dhan yahay Naarta Eebbe u-darbay kuwa gaaloobay iyadaana u-xun meel loo ahaado, waxay caabudi oo Eebbe kasoo hadhayna ma karaan abuur daqsi hadday kulmaan, hadduu wax ka qaatana kama dhacsan karaan, kan caabudi iyo kan la-caabudiba waa tabar yar yihiin, mana waynayn gaaladu Eebbe mudnaantiisa, waana xoog-badane adkaada, cid lamid ah ama ka dulmi-badan oo ka-xun ma jirto cid caabudday wax Eebbe kasoo hadhay. Al-Xajj (70-74)

 

  1. Eebbe wuxuu ka doortaa malaa‘igta Rasuullo dadkana [Rasuullo] Eebbana waa maqle arka.
  2. Wuxuuna ogyahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah, xagga Eebbaana loo celin umuuraha.
  3. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, rukuuca oo sujuuda oo caabuda Eebbihiin, falana khayrka waxaad u dhawdihiin inaad liibaantaane.
  4. Kuna dadaala dar Eebbe dadaal dhab ah, Isagaana idin doortay, mana yeelin Diinta dhib, waa milladii aabbihiin Ibraahiim, Isagaana [Eebbe] idiinku magacaabay Muslimiin horay iyo Qur’aankan si Rasuulku marag korkiinna ugu noqdo, idinkuna aad marag u-ahaataan dadka, ee ooga salaadda oo bixiya zakada oo qabsada Eebbe Isagaa gargaarihiinna ah, Isagaana u-fiican Sayid isagaana u-fiican gargaare.

 

Eebbe isagaa og meeshuu wax ka diri iyo cidduu diri iyo cidda loo diriba, siduu wax walba u ogyahay. Tan kale wuxuu fari Eebbe in salaadda la oogo Eebbana si dhab ah loo caabudo, khayrkana la falo si loo liibaano, dar Eebbana loo jahaado, illeen Ilaahay baa dooray ummaddan Muxamaddiyadee, dhibna ma yeelin Diintii, waxay waafaqsan tahay Diintii Nabi Ibraahiim, Ilaahay baana Muslimiin nagu magacaabay mar hore iyo Qur’aankaba. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) marag buu noo yahay ummaduna waa maragga dadka kale, waase in salaadda la oogo, zakadana la bixiyo, lana qabsado xadhigga Eebbe, illeen Isagaa Sayidkeenna iyo Gargaaraheenna ah una wanaagsan gargaaree, waana kaas Islaamka toosan oo wanaag, Islaamnimo, xumaan ka-tagid iyo samo-fal ah, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ruuxii u-yeedha yeedhid jaahiliyo wuxuu dhex-fadhiisan Jahannamo,” markaasuu nin yidhi, “Rasuulka Eebbow, haba soomo oo tukado?” Markaasuu yidhi, “Haba soomo oo tukado. U-yeedha Eebbaha oo ah inuu idinku magacaabay Muslimiin addoomada Eebbow.” Al-Xajj (75-78)

 

Suurat Al-Mu’minuun

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaa dhab ahaan u-liibaanay mu’miniinta.
  2. Ah kuwa salaaddooda ku khushuuca.
  3. Oo ah kuwa hadalka macno-darro ka jeedsada.
  4. Oo ah kuwa fala zakada [bixiya].
  5. Oo ah kuwa furuujtooda ilaaliya.
  6. Haweenkooda iyo waxay hanatay gacantoodu mooyee, laguma dagaalo taas.
  7. Ruuxiise doona waxaas wax kasoo hadhay kuwaasu waa xad-gudbayaal.
  8. Waa kuwa ammaanadooda iyo ballankooda dhawra.
  9. Waana kuwa salaadda ilaaliya.
  10. Kuwaasu waa kuwa dhaxli.
  11. Oo ah kuwa dhaxli Firdowsa wayna ku dhex-waari.

 

Suuraddan waxaa lagu magacaabaa Suuratul Mu‘minuun, waxayna ku billaabatay liibaanta mu‘miniinta ku khushuuca salaadda, oo macna-la’aanta hadal ah ka jeedsada, oo zakada fala, oo iska-dhawra waxaan Eebbe u-xalaalayn, oo amaanada iyo ballankooda ilaaliya, salaaddana ilaaliya, kuwaasuna waa uun kuwa dhaxli Jannada Firdowsa kuna waari dhexdeeda. Wana taas tilmaanta dhabta ah ee ruuxa mu‘minka ah ee mudan liibaan iyo Jannada Eebbe, waana liibaan aan wax lamid ah jirin. Caa‘isha Eebbe haka raalli noqdee waxaa la warsaday dabeecaddii Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) waxayna tidhi, “Dabeecaddiisu waxay ahayd Qur’aanka,” waxayna akhriday billowga suuraddan tan iyo aayadda sagaalaad. Mana qarsoona wanaagga salaadda, bixinta zakada, ka-jeedsashada hadal macno-darro, ka-fogaanshaha zinada, ilaalinta ammaanada iyo ballanka iyo wanaagga ku dadaalka. Al-Mu’minuun (1-11)

 

  1. Waxaan ka abuurnay dadka wax laga soo soocay dhoobo.
  2. Markaasaan ka yeellay dhibic ku jirta meel sugan.
  3. Markaasaan ka abuurnay dhibicdii calaqo kana abuurnay calaqadii goosin, kana abuurnay goosintii lafo oon huwinnay lafihii hilib markaasaan ka ahaysiinay khalqi kale, waxaa khayr badnaaday Eebbaha abuurkiisu fiican yahay.
  4. Markaas idinku arrintaas kadib waad dhimanaysaan.
  5. Markaas maalinta Qiyaame laydin soo bixin.
  6. Waxaana ku abuurnay korkiinna toddobo samo mana nihin mid khalqiga halmaansan.

 

Aayadahanna waxay caddayn dadka asalkiisa iyo sida Eebbe u-abuuray una soo mareen abuur kala-duwan, waxaana wayn oo ammaan muta xumaanna ka dheer Ilaaheenna wanaajiya abuurka, markaas kadibna wuu dilaa, wuxuuna soo bixiyaa maalinta Qiyaame, waana kan ahaysiiyey korkooda toddobo samo oon halmaansaneyn khalqiga. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbe wuxuu ka abuuray [Nabi] Aadam kasoo-qaad dhulkoo dhan, waxayna ahaadeen carruurtiisu sida dhulka, mid cas, mid cad, mid madow iyo mid u-dhexeeya, iyo mid fiican iyo mid xun iyo mid u-dhexeeya.” Al-Mu’minuun (12-17)

 

  1. Waxaan kasoo dejinnay samada biyo qiyaasan, waxaana dejinnay dhulka inaan la tagnana waan karraa.
  2. Waxaana idinku ahaysiinnay beero timir ah iyo cinabyo oo dhexdeeda khudaar badani ku sugan tahay ood wax ka cuntaan.
  3. Iyo geed ka baxa Duur Saynaa oo soo saarta subag iyo koosaar kuwa cuni.
  4. Waxaa idiinku sugnaaday xoolaha waano, waxaana idinka waraabinnaa waxa caloosheeda ku sugan waxaana idinku sugan manfaco badan, xaggeedaadna wax ka cuntaan.
  5. Korkeeda iyo markabka korkiisa yaana laydinku xambaaraa.
  6. Waxaan u-dirray [Nabi] Nuux qawmkiisii wuxuuna yidhi, “Qawmkayow caabuda Eebbe idiinma sugnaanin ilaah kasoo hadhaye, miyeydaan dhawrsanayn?”
  7. Waxayna dheheen madaxdii gaalowday oo qawmkiisa ahaa, “Kanu ma aha waxaan dad idin lamid ah ahayn, wuxuuna doonayaa inuu idinka fadilmo, hadduu doono Eebbe wuxuu soo dejin lahaa malaa‘ig, manaan ka maqlin arrintan aabbayaalkannagii horreeyey.”
  8. “Ma aha waxaan nin waalan ahayn ee suga tan iyo muddo geerida.”

 

Waxaa awoodda Eebbe iyo qudradiisa kamid ah roobka uu samada ka keeno markaas dhulka ku kaydiyo hadduu doono uu kaxayn karo, kuna soo bixiyo beero wax laga cuno, sida geedka subagga leh ee Saynaa oo kale, xoolahana Eebbaa inoogu nicmeeyey. Aayadaha kalena waxay ka warrami Nabi Nuux iyo qawmkiisii, iyo siday u-beeniyeen, wax badan yuuna Qur’aanku ka qisooday waxaase muhiim ah in laga leexdo jidka kuwa xun lana raaco Xaqa iyo wanaagga. Al-Mu’minuun (18-25)

 

  1. Wuxuu yidhi, “Eebbow iiga gargaar beenintooda.”
  2. Waxaana u-waxyoonnay, “Ku samee doon ilaalintannada iyo waxyigannaga, markuu yimaado amarkannagu oo burqado tanuurkii, gali doonta nooc kastaba labo labo iyo ehelkaaga ciddii hadal u hor-maray [halaag] mooyee oo kamid ah haygu lana hadlin [xaalka] kuwa dulmiga falay iyaga waa la maanshayne.”
  3. “Markaad korto adiga iyo inta kula jirta doonta waxaad dhahdaan, ‘Mahad Eebbaa iska leh ah kan iga koriyey qawmka daalimiinta ah.’”
  4. “Waxaadna dhahdaa, ‘Eebbow i daji guri la barakeeyey adaa u khayr-roon dejiyee.’”
  5. Arrintaasna waxaa ku sugan aayaad waxaana nahay kuwo wax imtixaama.

 

Wuxuuna ku dhammaaday xaalkii kuwaas in biyo lagu halaagay, Eebbana koriyey Nabi Nuux iyo intii rumaysay, taasina waa sunnada Eebbe iyo imtixaankiisa, qisaduna waxay aad ugu faahfaahsan tahay suuradda Huud, waxayna ku tusin lagdanka Xaqa iyo xumaanta tan iyo waqtigii Nabi Nuux iyo inaan la waayeyn Xaq-diidayaal xumaanta jecel oo wanaagga neceb, waxaase hadhi wanaagga iyo khayrka, waxaana tagi xumaanta iyo gaalnimada iyo kibirka. Al-Mu’minuun (26-30)

 

  1. Markaasaan ahaysiinnay gadaashood qarni kale.
  2. Waxaana u-dirray dhexdooda Rasuul kamid ah, “Caabuda Eebbe idiinma sugna ilaah [xaq lagu caabudo] Eebbe kasoo hadhay ee miyeydaan dhawrsanayn?”
  3. Waxay dheheen madaxdii qawmkiisa ee ah kuwii gaaloobay oo beeniyey la-kulanka Aakhiro oon ugu raaxaynay nolosha dhaw, “Kani ma aha waxaan dad idin lamid ahayn cunina waxaad cunaysaan, cabbina waxaad cabbaysaan.”
  4. “Haddaad adeecdaan dad idin lamid ah idinku waa khasaarteen.”
  5. “Ma wuxuu idiin yaboohi markaad dhimataan ood noqotaan carro iyo lafo in laydin soo bixin?”
  6. “Waa fog tahay oo fog tahay waxa laydinku goodin.”
  7. “Ma aha waxaan noloshannada adduunyo ahayn, waanu dhiman [qaar] oonnu noolaan [qaar] kuwa lasoo bixinna ma nihin.”
  8. “Mana aha waxaan nin ku been-abuurtay Eebbe ahayn, mana nihin kuwo u-rumeyn.”
  9. Wuxuuna yidhi, “Eebbow iiga gargaar beenintooda.”
  10. Wuxuu yidhi Eebbe, “Mudda yar kadib yey ahaan kuwo nidaamooda [shallaaya].”
  11. Waxaana ku qabatay si xaq ah qaylo, waxaana ka yeellay daad-xoor ee fogaansho haw sugnaado daalimiinta.

 

Nabi Nuux gadaashiis wuxuu Eebbe diray Rasuullo kale, waxaana beeniyey qawmkoodii iyagoo sheegi inay lamid yihiin una nool yihiin siday u nool yihiin, oy diideenna soo-bixinta iyo Qiyaamada, Nabiguna ay xumaan ku sheegeen, wuxuuse baryaye Eebbe, waxaana ku dhacay gaaladii halaag, taasina waa abaalka gaalada Xaqa diida ee daalimiinta ah, oo ku dambayn qoomamo iyo khasaare. Al-Mu’minuun (31-41)

 

  1. Markaasaan ahaysiinnay gadaashood quruumo kale.
  2. Kamana hor-marto ummadi ajasheeda [waqtigeeda] kamana dib-marto.
  3. Markaasaan diray Rasuulladannadii oo is-raacsan, mar kastoy ummad u-yimaado Rasuulkoodu way beeniyaan, waxaana raacsiinnay qaarkood qaar [halaag] waxaana ka yeelay sheeko, fogaanshaana u-sugnaaday qawm aan [Xaqa] rumeynin.
  4. Markaasaan la dirnay [Nabi] Muuse iyo walaalkiis Haaruun aayadkannagii iyo xujo cad.
  5. Xagga Fircoon iyo jameecadiisii [yaana u-dirray] wayna is-kibriyeen waxayna ahaayeen qawm is-korraysiiya.
  6. Waxayna dheheen, “Ma waxaannu u-rumayn labo ruux oo na lamid ah qawmkooduna annaga na caabudo?”
  7. Wayna beeniyeen waxayna noqdeen kuwo la-halaagay.
  8. Waxaana siinnay [Nabi] Muuse Kitaabka inay hanuunaan.
  9. Waxaana ka yeellay ina-Maryamna iyo hooyadiis aayad waxaana u-dunnay meel sare oo sugnaansho iyo biyo socda leh.

 

Markaas kadibna waxaa yimid quruumo kale, oo midna ayna ka hor-mari karin kana dib-mari karin waqtigeeda, waxaana loo soo diray Rasuulllo si is-raacsan, oo mar kasta la beenin jiray, waase la-ciqaabay beeniyayaashii, markaasaa Eebbe diray Nabi Muuse iyo Haaruun, wixii dhex-maray isaga iyo Fircoonna wax badan yuu Qur’aanku ka warramay waase in la waano-qaato. Sidoo kale Nabi Ciise iyo hooyadiisna waa in lagu waano-qaato. Al-Mu’minuun (42-50)

 

  1. Rasuullow ka cuna xalaasha, falana wanaag, anigu waxaad falaysan waan ogahaye.
  2. Tanna waa ummaddiinii [Diinta] ummad [Diin] kaliya anna waxaan ahay Eebbihiin ee iga dhawrsada.
  3. Waxayse u kala-goosteen amarkooda dhexdooda kooxo, xizbi kastana waxa agtooda ah yey ku faraxsan yihiin.
  4. Ee isagaga tag halmaanshahooda dhexdiisa tan iyo muddo.
  5. Ma waxay u-malayn waxaannu siin oo xoolo iyo carruur ah
  6. Inaanu usoo hor-marinnay khayraad? Wax ma oga.
  7. Kuwa uun ka cabsada Eebbahood ka-yaabid.
  8. Kuwa uun aayaadka Eebbahood rumeeya.
  9. Kuwa uun Eebbahood aan la wadaajinin.
  10. Kuwa bixin waxa la siiyay iyadooy ka cabsan quluubtoodu inay xagga Eebbe u-noqon.
  11. Kuwaasaa u degdegi khayraadka una hor-marinnay.

 

Eebbe wuxuu faray Nabiyada inay cunaan xalaasha wanaagna falaan, wayna fuliyeen wixii la faray, tan kale Xaqu waa mid, Eebbana waa mid kaliya, mana habboona in la kala-tago ama lays-khilaafo, mana aha xoolaha iyo carruurta la siin gaalada khayr loo soo dedejiyey, ee kuwa Eebbe ka-yaaba, ee rumeeya aayaadkiisa een u shariik-yeelin, ee wax bixiya iyagoo ka cabsan inay Eebbe u-noqon kuwaasaa khayrka loo soo dedejin, una hor-mara. Caa‘isha (Eebbe haka raalli noqdee) waxay warsatay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) in kuwa cabsan ay yihiin kuwa xada, zinaysta, oo khamro cabba. Wuxuuna yidhi, “Ma aha kuwaas, ee waa kuwa tukada, sooma oo sadaqaysta, haddana cabsan.” Imaam Axmed. Al-Mu’minuun (51-61)

 

  1. Kuma mashaqayno naf waxayna karin, agtannadana waxaa ah Kitaab ku hadli xaq, lamana dulmiyo iyagana.
  2. Waxayse kaga sugan tahay quluubtoodu halmaansho xagga kaas, waxayna leeyihiin camallo kaas ka duwan [oo xun] oy iyagu u camal-fali.
  3. Markaanse ku qabanno kuwooda nicmaysan cadaab markaasay qayliyaan.
  4. [Waxaana la dhihi] “Ha qayliyina maanta idinku xaggannaga laydiin kama gargaaree.”
  5. “Waxay ahayd aayaadkeygii tii lagu akhriyo korkiinna waxaadse ahaydeen kuwa cidhibtiinna dib ugu noqda [Xaqa diida].”
  6. “Idinkoo isku-kibrin Qur’aanka [ama Kacbada iyo Nabiga] cawaysimina idinkoo hadal xun.
  7. Miyeyna fiirinin Qur’aanka, mise waxaa u-yimid waxaan u-imaanin aabbayaalkoodii hore?
  8. Mise waxayna aqoonin Rasuulkooda oo ay diidi?
  9. Mise waxay dhihi, “Waa waalan yahay.” Wuxuuse ula yimid Xaq, badankoodse Xaqay nici.

 

Aayadahanna wuxuu Eebbe ku sheegay inuusan cidna ku mashaqayn waxayna karin, Eebba agtiisana yahay Kitaab xaq ku hadli, cid la dulminna ayna jirin, gaaladuse way halmaansan yihiin xaalkaas, waxayna leeyihiin shaqooyin kale, markase kuwooda raaxaysan kado lagu qabto markaasay Eebbe u-qayliyaan, mase habboona inay qayliyaan, illeen horay Xaqa u-diideene, una gaaloobeene, isla-wayni iyo kibirna ku darsadeene, miyeynase fiirinin Qur’aanka? Mise waxaa u-yimid waxaan u-imaan aabbayaalkoodii hore? Miyeynase aqoonin Rasuulkooda oo saasay ku diidi? Mise waalli bay ku sheegi? Dhabtuse waa inuu Xaq ula yimid, iyana ay Xaqa diidi. Jacfar iyo Abuu Sufyaanna waa kuwii u-caddeeyey Najaashi iyo Hiraqle inay yaqaannaan Nabiga runtiisa, ammaanadiisa iyo nasabkiisaba. Taasina waxay ku tusin in cidda Xaqa u-yeedhi tahay mid lagu yaqaan sharaf iyo amaano. Al-Mu’minuun (62-70)

 

  1. Hadduu raaco Xaqu hawadooda waxaa fasaadi lahaa samooyinka iyo dhulka iyo waxa u-dhexeeya, waxaanse siinnay Qur’aanka wayse ka jeedsan Qur’aanka.
  2. Mise waxaad warsan kharaj [ujuuro]? Ajirka Eebbahaa baa khayr-roon, waana kan u khayr badan arzaaqe.
  3. Adiguna waxaad ugu yeedhi Jid Toosan.
  4. Kuwa aan rumeyn Aakhirona jidka way ka iilan.
  5. Haddaan u-naxariisanno oon ka faydno waxa haya oo dhib ah waxay ku madax-taagi xumaantooda iyagoo ku indho-la’.
  6. Waxaannu ku qabannay cadaab umana ayan hoggaansamin [dulloobin] Eebbahood umana khushuucin.
  7. Markaan ku furro korkooda cadaab daran markaasay quustaan.

 

Qur’aanka iyo Xaqa Eebbaa soo dejiyey, mana raacayo hawadooda iyo siday rabaan ee wuxuu ku socon Jidka Toosan ee habboon, haddii kale waxaa fasaadi cirka, dhulka iyo waxa ku dhex-sugan, wuxuuna Eebbe soo dejiyey Qur’aan sharaf leh oy gaaladuna ka jeedsan, Nabiguna wax ujuura ah ma warsado, illeen ajriga Eebbaa khayr roone, wuxuuse Nabigu ugu yeedhi Jidka Toosan, kuwaan rumayn Aakhirana jidka way ka leexdaan, hadduu Eebbe u-naxariisto oo ka faydo dhibna waxay kusii madax-taagaan xumaanta, Eebbana wuu imtixaamaa mase u-khushuucaan inta ay ka arkaan albaab cadaab daran oy markaas quustaa, saasuuna Qur’aanku iyo Nabigu ugu yeedhi Xaqa iyo Jidka Toosan, dadka qaarkiina u-diidi. Siduu Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) xadiith macnihiisu yahay: “Waxaan idin hayaa guntiga oo dabka idinka celin, idinkuna isku-tuuraysaan waxayna u-dhawdahay inaan idin sii daayo, waxaana layga celin doonaa dad markaan dhaho ‘Eebbow waa ummadayda,’ yaa la dhihi, ‘Ma ogid waxay sameeyeen gadaashaa, dib bay u-noqdeen (gaaloobeen).’” Waana taas dib u-noqoshada dhabta ah. Al-Mu’minuun (71-77)

 

  1. Eebbe waa kan idiin yeelay maqalka, iyo aragga iyo quluubta wax yar baadna ku shukriyeysaan [Eebbe].
  2. Eebbe waa kan idinka abuuray dhulka xaggiisaana laydiin soo celin.
  3. Eebbe waa kan wax nooleeya, waxna dila, wuxuuna leeyahay is-khilaafka [kala-duwanaanta] habeenka iyo maalinta ee miyeydaan wax kasayn.
  4. Waxayse dheheen wax lamid ah waxay dheheen kuwii hore [gaaladii].
  5. Waxay dheheen, “Ma markaan dhimanno oon noqonno carro iyo lafo miyaa annaga nala soo bixin?”
  6. “Waa naloo yaboohay aabbayaalkanno kan [soo-bixinta] horay, mana aha kani waxaan warkii hore ahayn.”
  7. Waxaad dhahdaa, “Yaa leh dhulka iyo waxa ku sugan haddaad wax ogtihiin?”
  8. Waxay odhan, “Eebbe,” waxaad dhahdaa, “Miyeydaan wax xusuusanayn?”
  9. Dheh, “Waayo Eebbaha samooyinka toddobada ah iyo Eebbaha Carshiga wayn?”
  10. Waxay odhan, “Eebbe,” dheh, “Miyeydaan dhawrsanayn?”
  11. Dheh, “Yey yaddiisa [gacantiisa] ku jirtaa xukunka wax kasta, oo wax magan-galiya, isna aan wax laga magan-galinayn, haddaad wax ogtihiin?”
  12. Waxay odhan, “Eebbe,” dheh, “Xaggee laydiin sixri?”
  13. Waxaanse siinnay Xaq, waana beenaalayaal.

 

Eebbaa dadka ugu nicmeeyey maqalka, aragga, caqliga iyo nicmooyinka kale si ay ugu mahdiyaan, wanaaggana ugu dhaqmaan, isagaana abuura, oo dila oo noolayn, wax walbana awooddiisa ku jiraa, dadkana soo kulmin, xukunka dhulka, cirka, Carshiga, wax kasta iyo magan-galintaba isagaa leh, wax dhibi ama wax u-tara ama magan-galinna ma jiro, sidaasayna waajib u-tahay in si dhab ah loo caabudo looguna dhaqmo sharcigiisa iyo Qur’aankiisa. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Xaalka Eebbe waa ka wayn yahay sidaas, Carshigiisu wuxuu ku yahay sidaas,” wuxuu ishaaray gacantiisa sida qubbad. Al-Mu’minuun (78-90)

 

  1. Ma yeelan Eebbe ilmo, mana aha miciisa ilaah [kale] illeen markaas wuu la tagi lahaa ilaah walba wuxuu abuuray, wuxuuna ka kor-mari lahaa [adkaan lahaa] qaarkood qaar, waxaa ka nazahan Eebbe waxay ku tilmaami.
  2. Waa ogaha waxa maqan iyo waxa jooga, wuuna ka sarreeyaa waxay la wadaajin.
  3. Waxaad dhahdaa, “Eebbow haddaad i tusiso waxa loo yaboohay.”
  4. “Eebbow hayga yeelin qawmka daalimiinta ah.”
  5. Annaguna inaan ku tusinno waxaan u-yaboohnay waan karraa.
  6. Ee raaci [dhaafso] tan wanaagsan midda xun, annagaa og waxay tilmaamiye [sheegi].
  7. Waxaadna dhahdaa, “Eebbow waxaan kaa magan-galay waswaaska shayaadiinta.”
  8. “Waxaana kaa magan-gali Eebbow inay ii yimaadaan shayaadiintu.”
  9. Markuu u-yimaaddo midkood [gaalada] mawdku wuxuu dhihi, “Eebbow i celiya.”
  10. “Waxaan u-dhawahay inaan falo wanaag waxaan ka tagay,” saas ma aha ee waa hadal uu iska yidhi gadaashoodana waxaa ah barzakh, tan iyo maalinta lasoo bixin.

 

Eebbe ilmo ma leh umana baahna, ilaah kalena lama jiro oo mid walba wuxuu qaadan lahaa wuxuu abuuray, mid baana midka kale ka sarreyn lahaa, waana ka nazahan yahay Eebbe waxaas, wax walbana waa ogyahay, Eebbana waa karaa ciqaabtooda, waana in Eebbe la warsado inuusan daalimiinta kala mid dhigin siduu Nabiga faray, xumaantana waa in wanaag lagu baddalaa, Shaydaankana Eebbe laga magan-galo, si aan marka la dhiman loo calaacalin celinna loo warsanin si camal fiican loo falo. Al-Mu’minuun (91-100)

 

  1. Marka la afuufo suurka ma jiro nasab dhexdooda maalintaas, waxna isma warsadaan.
  2. Ciddayse cuslaato miisaankiisu [wanaagga] kuwaasi waa kuwa uun liibaanay.
  3. Ciddayse fududaato miisaankiisu kuwaasi waa kuwa khasaariyey naftooda Jahannamayna ku waari.
  4. Waxaana gubi wajigooda Naarta iyagoo waji diiran.
  5. [Waxaa lagu dhihi] “Miyeyna ahayn aayaadkannagu kuwa lagu akhriyo korkiinna ood beenin jirteen?”
  6. Waxay dhahaan, “Eebbow waxaa naga adkaatay xumaantannadii, waxaana ahayn qaar dhunsan.”
  7. “Eebow naga bixi xaggeeda haddaan u-noqonnana annagaa daalimiin ah.”
  8. Wuxuu dhahaa Eebbe, “Ku fogaada dhexdeeda idinkoo [dullaysan] hana ila hadlina.”
  9. “Waxaa jirtay in koox kamid ah addoomadayda ay dhahaan ‘Eebbow waan rumaynay Xaqa ee noo dhaaf noona naxariiso adaa naxariiste u khayr-roone.’”
  10. “Waxaadse ka yeelateen jeesjees intay idinka halmaansiiyaan xuskayga ood kuna qoslayseen.”
  11. “Waan ka abaal-marinnay maanta samirkoodii dartiis, iyaga un baana liibaanay.”

 

Qiyaamada, miisaanka, Jannada, Naarta iyo abaal-marintaba wax badan yuu Qur’aanku soo celceliyey, waxaase loo baahan yahay waano-qaadasho. Waxbana uma taro gaalo calaacal maalintaa mar hadday beenin jireen Qur’aanka, kuna jeesjeesi jireen mu‘miniinta, kuna qosli jireen, kuwaasoo wanaag lagu abaal-marin maalintaas liibaanina. Waxayna caddayn aayaddu inaan nasab iyo qaraabo wax tarayn Qiyaamada ee wanaag iyo Xaq-rumayn uun wax tari iyo toosni dhab ah. Al-Mu’minuun (101-111)

 

  1. Wuxuuna dhihi Eebbe, “Imisa sanaad ku nagaateen dhulka?”
  2. Waxayna odhan, “Waxaan ku nagaannay maalin ama maalin qaarkeed, warsada kuwa wax tiriya [malaa’igta].”
  3. Wuxuu yidhi, “Maydaan nagaanin wax yar mooyee haddaad wax ogtihiin.”
  4. “Ma waxaad u-malayseen inaan idiin abuurnay ciyaar oon idinka xaggannaga loo soo celinayn?”
  5. Waxaa sarreeya Eebbaha Xaakimka Xaqa ah, ilaah [xaq lagu caabudo] aan isaga ahaynna ma jiro, waana Eebbaha Carshiga sharafta leh.
  6. Ciddii caabudda Eebbe la-jirkiisa ilaah kale oon xujo lahayn xisaabtiisu waa uun Eebbe agtiisa, mana liibaanto gaalo.
  7. Waxaad dhahdaa, “Eebbow dhaaf oo naxariiso adaa naxariiste u khayr-roone.”

 

Gaalada xisaabtu way ka lumi Qiyaamada, mana gartaan intay adduunka ku noolaayeen, waxayse sheegi inay maalin ama maalin badhkeed ku noolaayeen iyagooy la-yaraatay dhibka dartiis, wax yar bayse ku noolaayeen hadday garan, dadkana ciyaar looma abuurin, waxaana sarreeya Eebbaha Xaakimka Xaqa ah, ee Carshiga sharafta leh iska leh, ciddii caabudda oo xumaan iyo gaalnimo ku raacda wax kale Eebbe la-jirkiisa Eebbaa xisaabin, gaalana ma liibaanaan, dambi-dhaaf iyo naxariisna Eebbaa leh oo hanta. Al-Mu’minuun (112-118)

 

Suurat an-Nuur

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. [Tani] waa suurad aan soo dejinnay oo faralnay [wax ku caddaynay] kuna soo dejinnay dhexdeeda aayaad cad cad inaad wax xusuusataan [waano-qaadataan].
  2. Zaaniyadda [haween] iyo zaaniga [ragga] garaaca mid kastoo kamid ah boqol garaac yeyna idiin qabanin xaggooda naxariis Diinta Eebbe dhexdeeda haddaad tihiin kuwa rumeeyey Eebbe iyo Maalinta Dambe [Qiyaamada] hana joogo garaacooda koox kamid ah mu‘miniinta.
  3. Zaani ma guursado waxaan zaaniyad ahayn ama gaal, zaaniyadna ma guursato waxaan zaani ahayn ama gaal, waana laga reebay arrintaas mu‘miniinta.
  4. Kuwa [zino] ku gana [sheega] haweenka dhawrsoon oon afar marag ah keenin garaaca siddeetan garaacood, hana ka aqbalina marag waligood, kuwaasina waa uun faasiqiin.
  5. Marka laga reebo kuwa tawbad-keena intaas kadib oo wanaajiya, Eebbana waa [dambi] dhaafe naxariista.

 

Suuraddan waa suurad wayn, wax badanna ka warranta aadaabta Islaamka, oyna habboon tahay in la fahmo, waxayna ku billaabatay in Eebbe soo dejiyey kuna caddeeyay aayaad, waxaa ku xiga ciddii zino la timaadda rag iyo haweenba oon horay wax u-guursan in lala dhaco boqol ulood, oon loona nixin, maragna loo yeelo, iyo in dadka xun xun iyagu isku habboon yihiin oo zaani iyo gaal uu guursan mid lamid ah, lagana reebay mu‘miniinta, gaalada Kitaabka leh waa laga hadlay wayna bannaan yihiin guurka haweenkoodu. Tan kale ciddii qadafta ruux dhawrsoon kuna sheegta zino afar marag la’aan waa in lala dhaco siddeetan ulood, lagana aqbalin marag waligiis, ciddii tawbad-keenta oo wanaagsanaata mooyee, waxayna ku tusin xumidda zinada, dhawridda sharafta Muslimka iyo wanaagga Diinta Islaamka. An-Nuur (1-5)

 

  1. Kuwa qadfa [zino ku sheega] haweenkooda oon marag aan naftooda ahayn lahayn midkood maraggiisu waa inuu ku marag-kaco dhaarta afar dhaarood Eebbe inuu run sheegi.
  2. Tan shanaad waa inuu ku dhaarto in lacnadda Eebbe ku dhacdo hadduu beenaale yahay.
  3. Waxaa ka rida iyadana ciqaabta inay ku dhaarato afar dhaarood inuu beenaale yahay.
  4. Tan shanaadna waxay ku dhaaran in cadhada Eebbe ku dhacdo hadduu run sheegi.
  5. Hadduuna jirin fadliga Eebbe iyo naxariistiisa korkiinna oosan ahayn tawbad-aqbal badane falsan [waxaa beenaalaha ku dhici lahaa cadaab daran].

 

Sidoo kale ninkii haweenaydiisa zino ku sheega waxaa garaacidda ka reebi inuu shan goor Eebbe ku dhaarto inuu run sheegi, iyana waxay dhaaran shan jeer inuu been sheegi, kadibna way kala furmi, waxaana loo yaqaannaa licaan. Diinta Islaamkuna waa Diin sharaf iyo naxariis, doonina mayso inay cid aan wax ku caddayn ceebayso, hase yeeshee uma dul-qaadato waxa sharafta dhaawaca, sida ku-sheegga zinada iyo wax lamid ah, mase fududa in dadka lagu sheego waxaan jirin oon caddayn, waxaa xadiith ku sugnaatay, “Saddex Eebbaa ka xarrimay Jannada, midka khayaamada sameeya, kan caasiya waalidka, iyo kan ehelkiisa ku suga xumaanta.” Tan kale ma bannaana in been lagu dhaarto, waxayna kamid tahay waxyaalaha dadka Naarta galiya, saas darteed zino haw dhawaan, cidna zino haku sheegin adoon hubin, dhabtana indhaha ka qabsan, xuduudda Diinta iyo Islaamka ilaali, wanaagga ku dadaal, xumaanna ka dadaal. An-Nuur (6-10)

 

  1. Kuwa la yimid been-abuurka [qadafka Caa’isho] waa koox idin kamid ah, haw malaynina inay shar idiin tahay, waxayse idiin tahay khayr, qof kasta oo kamid ahna waxaa u-sugnaaday wuxuu kasban oo dambi ah, midka qaatay waynanka arrintana oo kamid ah wuxuu mudan cadaab weyn [Ibnu Saluul].
  2. Maxaydaan markaad maqasheen xaalka [qadafka] ayna ugu malayn mu‘miniinta ragga iyo haween naftooda khayr, oyna u-dhihin, “Kaasi waa been-abuur cad”?
  3. Mayse u-keenaan korkiisa afar marag, haddayna keenin marag kuwaasu Eebbe agtiisa waxay ku yihiin beenaalayaal.
  4. Hadduuse jirin fadliga Eebbe ee korkiinna iyo naxariistiisa adduun iyo Aakhiraba waxaa idin taaban lahaa waxaad dhex-gasheen dartiis cadaab weyn.
  5. Markaad kula kulmaysaan qadafka carrabkiinna oo ku dhahaysaan afkiinna waxaydaan ogayn, una malaynaysaan wax fudud isagoo Eebbe agtiisa ku wayn.

 

Aayadahan waxay soo degeen markay munaafiqiintu isku-dayeen inay dhaawacaan sharafta Sayido Caa‘isha bintu Abii-Bakar, ahaydna haweeneydii Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) waxaana arrintaas hoggaaminayay munaafiqii waynaa Cabdullaahi binu Ubayyi binu Saluul, hase yeeshee wuu ku-khasaaray adduun iyo Aakhiraba, Eebbaana kusoo dejiyey Qur’aan ka bari-yeeli Caa‘isha waxaasoo kale, mu‘miniintuna fari inay ka-fogaadaan maqalka beentaas oo kale, wanaaggana ku dadaalaan. An-Nuur (11-15)

 

  1. Markaad maqasheen maad dhahdaan, “Nooma habboona inaan ku haddallo kan, Eebbaa nazahan ee kan [qadafka] waa been-abuur wayn.”
  2. Wuu idinka waanin Eebbe inaad u-noqotaan isagoo kale waligeed haddaad tihiin mu‘miniin.
  3. Wuxuuna idiin caddayn Eebbe aayaadkiisa, Eebbana waa oge falsan.
  4. Kuwa jecel inay ku-faafto xumaantu kuwa rumeeyey [Xaqa] waxaa u-sugnaaday cadaab daran adduun iyo Aakhiraba, Eebbena waa ogyahay idinkuna ma ogidin.
  5. Hadduuna jirin fadliga Eebbe ee korkiinna iyo naxariistiisa iyo in Eebbe yahay naxariis badane ilaaliya, [waxaa ahaan lahaa wax kale].
  6. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, ha raacina tallaabooyinka [camalka] Shaydaanka, ciddii raacda tallaabooyinka Shaydaanka isagu wuxuu faraa xumaanta iyo waxa la naco, hadduusan jirin fadliga Eebbe ee korkiinna iyo naxariistiisa ma daahirineen ruux idin kamid ah waligeed, laakiin Eebbaa daahiriya cidduu doono, Eebbana waa maqle og.

 

Kuma habboona mu‘miniintu inay waxaasoo kale ku hadlaan, ee waa inay dhahaan, “Eebbaa nazahane waa been-abuurasho wayn,” waana inay qaataan waanada Eebbe. Tan kale kuwa jecel inay xumaantu ku faafto mu‘miniinta waa kuwo ciqaab mudan adduun iyo Aakhiraba, waana in laga fogaado lagana digtoonaado Shaydaan iyo jidkiisa, illeen xumaan un buu fariye. Caalamkuna wuxuu ku dhisan yahay fadliga Eebbe iyo naxariistiisa cid wanaagsanaanna ma jiro naxariista Eebbe la‘aanteed. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ruuxu wuxuu ku hadlaa kalimo cadho Eebbe ah oosan ogayn intay gaadhi uguna hooban Naarta darteed wax ka fog cirka iyo dhulka dhexdooda.” Waa saxiix. An-Nuur (16-21)

 

  1. Yeyna ku dhaaranin kuwa fadliga [dheeraadka] leh iyo hodannimada inayan wax siinayn qaraabada, masaakiinta iyo kuwa ku hijrooda Jidka Eebbe, hana iska-cafiyaan hana saamaxeen, miyeydaan jeclayn inuu idiin dhaafo Eebbe? Ilaahayna waa dhaafe naxariista.
  2. Kuwa gana [qadfa] haweenka dhawrsoon ee halmaansan [xumaanta] ee mu‘minaadka ah waa la lacnaday adduun iyo Aakhiraba, waxayna mudan cadaab weyn.
  3. Maalinta ay ku marag-kici carrabbadoodu, gacmahoodu iyo lugahoodu waxay camal faleen.
  4. Maalintaas wuxuu u oofin Eebbe abaal-marintooda sugan, waxayna ogaan in Eebbe yahay Xaqa cad [sugan].
  5. Haweenka iyo hadalka xunba wuxuu u-sugnaaday nimanka xun, kuwa xunna waxay u-sugnaadeen kuwa xun, kuwa wanaagsanna waxay u-sugnaadeen kuwa wanaagsan, kuwaasna [Caa‘isha iyo ehelkeedu] waa ka bari [ka dheer yihiin] waxay sheegi, waxayna mudan dambi-dhaaf iyo rizqi sharaf leh [Janno].

 

Waxaa jiray nin Sayid Abuu-Bakar qaraabo u ahaa lana noolaa oo wax yar ku hadlay arrintii Caa‘isha, markaas Abuu-Bakar eryay kana joojiyey kaalmadii, markaas Eebbe ku yar-canaantay Abuu-Bakar xaalkaas, markaas uu soo celiyey. Aayadaha kalana waxay ka warrami in haweenka sharafta leh ee dhawrsoon ee Xaqa raacay kuwa ceebeeya ay la kulmi lacnad iyo cadaab wayn Aakhiro iyo adduunba oy kuna marag-furi xubnahoodu, lana abaal-marin ayna ogaan in Eebbe Xaq sugan yahay, illeen xumaan waxaa muta kuwa xun, samaanna waxaa muta kuwa fiican. Caa‘ishana waa ka bari kana fog waxay ku sheegeen, waxayna mudan kuwaas la dhibay dambi-dhaaf iyo Janno, saasuuna Eebbe ugu bari-yeelay Caa‘isha aayadahan, ciqaabna ugu xukumay munaafiqiintii ka qayb-gashay arrintaas, taasina waxay muujin in Eebbe u-gargaari addoomadiisa dhawrsoon ee suubban. An-Nuur (22-26)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, ha galina guryo aan kuwiinna ahayn intaad ka idan warsataan kana salaantaan ehelkooda, saasaana idiin khayr-roon si aad u-xusuusataan.
  2. Haddaydaan ka helin dhexdeeda ruuxna ha galina inta laydinka idmi, haddii laydin dhaho noqdana noqda, saasaa idiin wanaagsan, Eebbana waxaad falaysaan wuu ogyahay.
  3. Ma aha korkiinna dhib [dambi] inaad gashaan guryo aan la degganayn oo dan [anfaco] idiinku jirto, Eebbe wuxuu ogyahay waxaad muujinaysaan iyo waxaad qarinaysaan.
  4. Waxaad ku dhahdaa mu‘miniinta ha laabeen indhahooda [daymada reeba] hana ka dhawreen furuujtooda [zinada] saasaa u-wanaagsan, Eebbana wuu ogyahay waxay sameyn.

 

Aayadahani waxay ku tusin wanaagga iyo aadaabta Diinta Islaamka, oo ah in la dhawro guryaha dadka, oon lana galin idan- iyo salaan-la‘aan, wanaagguna waa saas, haddaan dad joogin lama galo intaad idan ka hesho, haddii noqda laydin dhahana noqda saasaa idiin fiicane, haddayse guryuhu yihiin kuwa aan dad kale degganayn ee ah kuwa dadka u-dhexeeya galiddoodu, dambi kaama saarra haddaad gashid. Eebbana waa ogyahay waxa la muujin iyo waxa la qarinba, wuuna ka abaal-marin. Waa in mu‘miniintu ka dhawraan indhahooda dayidda xaaraanta ah, taasoo ah daymada haweenkood daydo, iyo in layska ilaaliyo zinada iyo xumaanta, illeen Eebbe waa ogyahay waxa la samayne. Wataas sharafta Islaamku iyo nadaafaddiisa iyo aadaabtiisa, waxaana meelo badan ku sugnaaday xaaraanimada iska-galidda ama fiirinta guryaha dadka, iyo daawashada haweenka, fiirintooda iyo inay tahay leeb Ibliis iyo billowga xumaanta, taasina waxay waran ku tahay kuwa iska-gala guryaha dadka idan-la‘aan iyo kuwa iska-daawada jidhka haweenka. An-Nuur (27-30)

 

  1. Waxaad ku dhahdaa [haweenka] mu‘minaadka ah [Xaqa rumeeyey] ha laabeen indhahooda hana dhawreen farjigooda muujininna quruxdooda wax muuqda mooye, hana ku dadeen hagoogtooda dhuuntooda, yayna u-muujin quruxdooda raggooda mooyee, iyo aabbayowgood iyo ninkooda aabbihiis, iyo wiilashooda iyo wiilasha nimankooda iyo walaalahood iyo wiilasha walaalahood, iyo wiilasha [gabdhahay] walaalaha yihiin, iyo haweenkooda [Muslimka ah] ama waxay hanato midigtoodu [gacantoodu] ama kuwa raaca een dan lahayn [hawood u-lahayn] oo ragga ah ama carruurta aan fiirsanayn cawrada haweenka, yeyna kuna garaacin lugahooda [dhulka] in la ogaado waxay qarin oo quruxdooda ah, una tawbad-keena [u-noqda] xagga Eebbe dhammaan mu‘miniineey, waxaad u-dhawdihiin inaad liibaantaane.

 

Aayaddan waxay soo degtay mar haweenku iska soo galeen guriga haweeney la dhihi jiray Asmaa binti Mirthad iyagoo bannaan laabta oyna tidhi, “Xumaa sidan,” waana amar Eebbe uu faraayo haweenka Muslimka ah inay falaan si ay uga soocmaan siday jaahiliintu falayeen oo ah is-qaawin iyo muujinta jidhka, waxayna fari aayaddu inay is-dhawraan isna-asturaan oyna isu-muujinin ragga marka laga reebo kuwa aayaddu taxday ee ah nimanka iyo qaraabada aan guursan karin, iyo kuwaan haweenka dan ka lahayn iyo wiilasha yaryar een wax eegayn iyo haweenka Muslimka ah, waxa la sheegina waa waxa cawrada iyo jidhka hoose kasoo hadhay, illeen kaasi waa ceeb ee. Miyeyse habboon tahay in lays-qaawiyo oo lagu noqdo jaahiliyadii hore wax ka daran, iyadoo cilmi la sheegan, wataas aadaabta Islaamka, waana inay is-dhawraan oo is-ilaaliyaan mu’miniintu rag iyo haweenba, sharaftooda iyo indhahooda iyo jidhkoodana xafidaan si ay u-helaan naxariista Eebbe iyo wanaaggiisa. An-Nuur (31)

 

  1. U-guuriya xaaslaawaha idin kamid ah iyo kuwa suubban oo addoomadiinna ah [rag iyo haweenba] hadday sabool yihiin wuxuu ka-hodmin Eebbe fadligiisa, Eebbana waa waasac [fadligiisu] waana oge.
  2. Hase dhawrsadeen kuwaan helayn [awood] guur inta Eebbe kaga hodmin fadligiisa, kuwa dooni inay is-furtaan oo hanatay gacantiinnu kitaabeeya [ka oggolaada] haddaad ku ogtihiin khayr, wax ka siiyana xoolaha Eebbe ee uu idin siiyey, hana ku qasbina gabdhihiinna [aad hanataan] zino hadday doonaan dhawrsooni idinkoo dooni sadka nolosha adduunyada, ciddii qasabta Eebbe qasabkaas kadib waa dambi-dhaafe naxariista.
  3. Waxaan idiin soo-dejinnay aayaad cad cad iyo tusaale kuwii tagay ee idinka horreeyey iyo waanada kuwa dhawrsada.

 

Diinta Islaamku waa Diin naxariis iyo isu-kaalmayn, sida ka muuqata aayaddan Eebbe ku fari in loo guuriyo dadka guri-la‘aanta ah rag iyo haweenba, lana kaalmeeyo dadka dooni inay ka hoos-baxaan gacanta iyo inay is-dhawrto ciddaan karin kharashka guur inta Eebbe ka deeqi, iyo inaan la farin haweenka iyo gabdhaha gacantooda ku hoos-jira xumaan iyo zino, isagoo la dooni dhalanteed adduun, Eebbase waa dambi-dhaafe ciddii u tawbad-keenta, wuxuuna inoo soo dejiyay aayaad cad cad iyo tusaale dadkii hore iyo waanada ciddii dhawrsata taasina waxay ku tusin in Islaamku yahay Diin caddaalad, isu-kaalmayn, nadaafo, sharaf iyo dhawrsooni, Islaamkuna markuu u-yeedhi in la xoreeyo dadka gacan ku hoos-jira oo ah ruux maxaad maleyn kuwa gaalada ah ee addoonsada dad, haddana qayliyi ama Islaamka xoraynta fari wax ka sheegi, waa doqommo indha-la‘, oon fikirayn, waxaase kasii xun kuwa u durbaan-tumi kuwaas. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Dhallin-yarooy ciddii karta kharash guurka ha guursato, isagaa isha laabid badane oo farjiga dhawrid badane, ciddaan karinna waxaa saaran soon si uu u-fududeeyo himada.” Inse laga tago guurka isagoo la dano-sheegan, haddana wax la-qasto oo la-meeraysto taasi Islaamku ma oggola mana bannaana. An-Nuur (32- 34)

 

  1. Eebbe waa nuuriyaha samooyinka iyo dhulka, nuurkiisu wuxuu lamid yahay daaqad misbaax ku jiro misbaaxuna ku jiro dhalo, dhaladana aad mooddo xiddig ifi lagana huriyey geed la barakeeyay oo ah zaytuun [saliid leh] oon bari iyo galbeed midna ahayn, waxayna u-dhawdahay saliiddeedu inay iska ifto yuuna taabaninba dabe, waa nuur lagu kordhiyay nuur, wuxuuna ku hanuuniyaa Eebbe nuurkiisa cidduu doono, wuxuuna u-yeelaa Eebbe dadka tusaale, Eebbana wax kasta waa ogyahay.
  2. [Kaasoo ah] guryo [masaajidda] uu idmay Eebbe in la kor-yeelo laguna xuso dhexdeeda Magaciisa, waxaana ugu tasbiixsada dhexdeeda aroor iyo galabba
  3. Rag ayna ka shuqlinayn ganacsi iyo gadasho xuska Eebbe, oogidda salaadda iyo bixinta zakada kana cabsan maalin oy gadgaddoomi dhexdeeda quluubta iyo aragguba.
  4. Inuu ka abaal-mariyo Eebbe wanaaggay faleen una kordhiyo fadligiisa, Eebbana wuu arzuqaa cidduu doono xisaab-la‘aan.

 

Nuurka Eebbe Waynaaye yey la ifaan samooyinka iyo dhulka, wuxuuna ku hanuuniyaa nuurkaas cidduu doono, waana tusaale Eebbe qadaray. Xadiithna waxaa ku sugnaaday, “Waxaan magan-gali nuurka Wajigaaga oy u-iftay mugdiyadu [Eebbow].” Masaajidda Eebbe ee uu idmay in la sharrifo oo la kor-yeelana lagu xuso magaciisa waqti kasta waxaa ku dadaala dad ayna ka shuqlinin xusidda Eebbe, salaadda, iyo zakada ganacsi iyo gadasho midna, iyagoo ka cabsan maalin qalbiga iyo araggu gadgaddoomo, Qiyaamada, iyagoo rajayn in Eebbe wanaag ku abaal-mariyo, masaajidda xaalkooduna waa wayn yahay waana meelaha nuurka Islaamku ka billowday, Eebbana ugu jecel yahay, waana in la dhiso, lana cammiro, waxna lagu barto cibaadada kale ka-sokow, waxaana kusoo arooray fadliga cidda dhista ama cammirta ama u-dadaasha wanaagyo badan, waxaana kamid ah: “Ruuxii dhisa masaajid isagoo dar Eebbe u-dhisi wuxuu Eebbe uga dhisaa Jannada isagoo kale.” Caa‘ishana waxay tidhi, “Wuxuu na faray Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) in laga dhiso masaajidda xaafadaha lana nadiifiyo, lana udgiyo.” An-Nuur (35-38)

 

  1. Kuwii gaaloobay camalkoodu wuxuu lamid yahay dhalanteed dhul siman [ka muuqda] oos u-malayn kan oomani biyo markuu yimaadana uuna ka helayn waxba, oo uu ka heli Eebbe [abaal-marintiisa] agtiisa una oofiyey xisaabtiisa, Eebbana way degdegtaa xisaabtiisu.
  2. Ama wuxuu lamid yahay mugdiyo bad dhexdeed ah oos dabooli hir korkiisana yahay hir, korkiisana tahay daruur, waa mugdiyo qaarkood qaar ka sarreeyo, hadduu bixiyo gacantiisana uma dhawa inuu arko, ruuxaan Eebbe u-yeelin nuur ma laha nuur.
  3. Miyaadan ogayn in Eebbe u-tasbiixsado waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka iyo shimbiraha oo [fidsan] safan? Mid kasta wuu ogyahay salaaddiisa iyo tasbiixdiisa, Eebbana waa ogyahay waxay fali.
  4. Eebbe waxaa u-sugnaaday xukunka samooyinka iyo dhulka xagga Eebbaana loo ahaan.

 

Markay aayadaha hore ka warrameen nuurka Eebbe iyo iimaanka iyo jidka wanaagga ee *** ku hanuuniyey mu‘miniinta, iyo masaajidda, iyo in kuwayna shuqlinin adduunyadu ay ku cibaadaystaan sharrifaanna yaa halkan lagu sheegay in camalka gaaladu lamid yahay dhalanteed ooman biyo mooday meel cidla ah oo oomana ah, markuu dhintana uu la kulmi Eebbe una oofin abaalkiisa, illeen mugdiyo baadiyuu ku sugnaaye, nuurna Eebbe uma yeeline, Eebbana kuwaas waa ka kaaftoon yahay, illeen waxaa wayneeya oo caabuda waxa cirka iyo dhulka ku sugan, xataa shinbiraha duuli hawada sare, isagoo Eebbe wax walba og, wax walbana xaggiisa u ahaan. Waxaa sugnaaday in Yuhuud lagu dhihi Qiyaamada, “Maxaad caabudayseen?” oy dhihi, “Waxaan caabudaynay Cuzayr ibnu Ilaah,” markaasaa lagu dhihi “Been baad sheegteen, Eebbe ilmo ma yeelanin, ee maxaad rabtaan?” Waxayna odhan, “Eebbow waannu oonnaye ee na waraabi,” markaasaa la dhihi, “Miyeydaan arkayn?” Naartaana ugu muuqata dhalanteed oo qaarkood qaar buuran markaasay isku-tuurayaan. Eebbaan ka magan-gallay, halkaasayna jiraan liibaan iyo khasaare, liibaanta mu‘miniinta iyo khasaaraha gaalada, waana arrin mudan u-darbasho. An-Nuur (39-42)

 

  1. Miyeydaan arkayn in Eebbe kexeeyo daruuro markaas isu-dumo kana yeelo mid is dul-saaran ood aragto roobkoo kasoo bixi dhexdiisa wuxuuna kasoo dejiyaa [Eebbe] samada buuro qabow ah [thalaj] wuxuuna gaadhsiiyaa cidduu doono, wuxuuna u-dhawyahay nuurka hillaaciisu inuu la tago aragga.
  2. Wuu gadgaddiyaa Eebbe habeenka iyo dharaarta, arrintaasna waano-qaadasho yaa ugu sugan kuwa aragga leh [caqliga leh].
  3. Eebbaa ka abuuray wax kastoo socda [oo nool] biyo waxaana kamid ah mid ku socda calooshiisa, waxaana kamid ah mid ku socda labo lugood, waxaana kamid ah mid ku socda afar, wuxuu abuuraa Eebbe wuxuu doono, Eebbana wax kasta waa karaa.
  4. Waxaan soo dejinnay aayaad cad cad, Eebbana wuxuu ku hanuuniyaa cidduu doono Jid Toosan.

 

Roobku wuxuu ku jiraa awoodda Eebbe, isagaana kulmiya daruuraha kana keena roobka meeshuu doonana ku da‘siiya, habeenka iyo maalintana Eebbaa ku tasarrufa inay ku waana-qaataan kuwa wax-garadka ah, wax kasta oo nafley ahna oo socda Eebbaa biyo ka abuuray, mid bog ku socda, mid labo ku socda iyo mid afar ku socdaba, wuxuu doonana wuu abuuraa, wax walbana waa karaa, wuxuuna soo dejiyay aayaad cad cad, cidduu doonana wuxuu ku toosiyaa Jidka Toosan. Taasina waxay sugi in Eebbe wax walba ogyahay, awooddana leeyahay, biyahana laga abuuray naflayda, kalana duway socodkooda iyo abuurkooda, wuxuu doona uu abuuri, waxayna aamusiin gaalada, mulxidiinta, jaahiliinta iyo kuwa rumeeya oo raaca kuwaas. An-Nuur (43-46)

 

  1. Waxay dhihi [munaafiqiintu] “Waxaan rumeynay Eebbe iyo Rasuulka, waana adeecnay,” markaasaa waxaa jeedsada kooxo kamid ah intaas kadib, kuwaasi ma aha mu‘miniin.
  2. Marka loogu yeedho Eebbe iyo Rasuulkiisa inuu kala-xukumo dhexdooda waxaa soo baxa koox kamid ah oo jeedsan.
  3. Hadduu Xaqu iyaga u-sugnaado way u-yimaadaan iyagoo adeeci.
  4. Ma qalbigay ka bukaan mise way shakiyeen mise waxay ka cabsan in Eebbe ku jawr-falo iyo Rasuulkiisu? Saas ma aha ee kuwaasu waa kuwo daalimiin ah.
  5. Mu‘minka hadalkiisu marka loogu yeedho Eebbe iyo Rasuulkiisu inuu kala-xukumo dhexdooda waa uun inay dhahaan, “Waan maqalnay waana adeecnay,” kuwaasuna waa uun kuwa liibaanay.
  6. Ciddii adeecda Eebbe iyo Rasuulkiisa oo cabsata kana dhawrsata kuwaasi waa uun kuwa liibaanay.

 

Munaafiqiintu had iyo jeer waa col kugu dhex jira iyo dhiqle Muslimiinta xasilka u-diida, afkana waxay ka sheegaan inay Xaqa rumeeyeen, haddana way ka jeedsan Xaqa, marka loogu yeedho in Xaqa lagu kala-xukumo way jeedsan, hadday u-fili in iyaga loo xukumina way yimaadaan iyagoo rumeysan oo maqli, taasna waxaa ugu wacan inay qalbiga ka bukaan shakina kaga jiro caddaaladda Eebbe iyo Rasuulkiisa waana daalimiin, mu‘miniintuse way maqli oy adeeci marka loogu yeedho xukunka Eebbe iyo Rasuulkiisa, waana kuwa liibaanay ee adeecay Eebbe iyo Rasuulka, Eebbana ka cabsada kana dhawrsada, waana kaas xumidda diiddada sharciga Eebbe iyo u-hoggaansankiisa, wax xukunka Eebbe lamid ah ama ku dhawna ma jiro, waana in lagu dhaqmo. An-Nuur (47-52)

 

  1. Waxay ugu dhaarteen Eebbe [munaafiqiinta] dhaar daran inay u-baxaan [Jahaad] waxaad dhahdaa, “Ha dhaaranina, adeecid la yaqaan [ha ahaado xaalkiinnu] Eebbana waa ogyahay waxaad falaysaan.”
  2. Waxaad dhahdaa, “Adeeca Eebbe oo addeeca Rasuulka haddaad jeedsataanna waxaa uun korkiisa ah [Nabiga] waxa la saaray [la faray] idinkana waxa korkiinna ah waxa laydin saaray [Xaq-raacid] haddaad addeecdaan [Nabiga] waad hanuunaysaan, Rasuulkana ma saarra waxaan gaadhsiin cad ahayn.”
  3. Wuxuu u-yaboohay Eebbe kuwa rumeeyay Xaqa oo camal fiican falay inuu u-reebo dhulka siduu ugu reebay kuwii ka horreeyay, wuxuuna makanin Diintooda uu uga raalli noqday wuxuuna ugu baddali cabsidooda kadib nabad-galyo, wayna i caabudi ilamana wadaajiyaan waxba, ciddii gaalowda intaas kadibna kuwaasu waa uun faasiqiin.

 

Munaafiqiin wax badan yey been ku dhaartaan, waxaase u-wanaagsan raacid Xaq iyo addeecid, cid walbana waxaa laga rabaa waxa la saaray, aayadda kale waxay ka hadli in Eebbe u-yaboohay mu‘miniinta inay dhulka u-hadhi oy xukumi hadday Xaqa rumeeyaan, wanaagna falaan, markaasuu makanin Diintooda uu ka raalli noqday cabsidana ammaan ugu baddali, Eebbe kaliyana ay caabudi, wuuna u-rumoobay mu‘miniintii hore yabooha Eebbe, markay Xaqa raaceen oo sharciga Eebbe isku-dhaqeen, ciddii saas fashana wuu u-gargaari Eebbe waqti kasta. Waxaa laga wariyey Caddiy binu Xaatim inuu Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) u-yimid uuna ku yidhi, “Ma taqaan Xiiro?” oo yidhi, “Ma aqaan waanse maqlay,” oo Nabigu yidhi, “Eebbaan ku dhaartaye wuu taam-yeeli Eebbe Diintan inta haweenaydu ka baxdo Xiiro oy ka dawaafto Baytka iyagoon cidna hoos-galin, waxaana la furan kanziga Kisre binu Hurmuz.” Markaasaan idhi “Kisre binu Hurmuz?” Markaasuu yidhi, “Haa Kisre binu Hurmuz.” Wuxuu yidhi Cadi “Wataas haweenaydu iska dawaafi Baytka iyadoo Xiira kasoo tagtay nabad-galyo, waxaanan kamid ahaa dadkii wax ka furtay kanzigii Kisre binu Hurmuz, wallee tii saddexaad ee Nabigu sheegayna waa la-heli.” Waxaa kale oo sugnaaday, “Ugu bishaaree ummaddan sharaf, sarreyn, Diin, gargaar iyo makanid dhulka, markay toosaan.” An-Nuur (53-55)

 

  1. Ooga salaadda, bixiya zakada oo addeeca Rasuulka waxaad mudan tihiin in laydiin naxariistee.
  2. Hana u-malayn kuwa gaaloobay inay ku daalin [Eebbe] dhulka, guryahooduna waa Naar waxaana u-xun meel loo ahaado [Naar].
  3. Kuwa Xaqa rumeeyow, haydin idan-warsadeen kuway hanatay gacantiinnu, iyo kuwaan qaan-gaadhin oo idin kamid ah saddex jeer, salaadda subax kahor iyo markaad iska-dhigtaan dharka Duhurkii, iyo salaadda Cishaha kadib, waa saddex waqti oo cawro ah [la nasto], ma aha korkiinna iyo korkooda midna dhib [ma saarra] intaas ka dib, way idin kor-socdaan [shaqeeyaan] qaarkiinna qaar buu ka ahaaday, saasuuna idiinku caddayn Eebbe aayaadkiisa, Eebbana waa oge falsan.
  4. Markay carruurtiinnu qaan-gaadhaanna haydin idan-warsadeen siday idiin idan-warsadeen kuwii ka horreeyay, saasuuna idiinku caddayn Eebbe aayaadkiisa, Eebbana waa oge falsan.
  5. Kuwa ka fadhiistay [ka quustay dhalmada] oo haweenka ah oon guur rajaynayn korkooda dhib [dambi] ma saarra inay iska-dhigaan dharkooda [iska-fududeeyaan] iyagoon is-muujinayn qurux, inay dhawrsadaan yaase u khayr-roon Eebbana waa maqle og.

 

Oogidda salaadda, bixinta zakada, iyo adeecidda Rasuulka waa sababaha naxariista, wax Eebbe daalinna ma jiro, gaalana wuxuu ku abaal-marin Naar. Aayadaha kale waxay ka warrami in guryaha galiddooda la dhawro gaar ahaan saddex waqti oo cid kasta laga rabo inay idan-warsadaan, xataa dadka gacantooda ku hoos-nool, carruurtuna mar hadday qaan-gaadho waa inay idan-warsadaan. Haweenka duqoobayna hadday dharka iska-fududeeyaan wax ma saarra haddayna cawro faydayn ama is-qurxinayn, waxaase fiican is-asturka. An-Nuur (56-60)

 

  1. Ma saarra indhoole dhib, lugoolana dhib ma saarra, mid bukana dhib ma saarra, naftiinnana dhib ma saarra inaad wax ka cuntaan guryihiinna ama guryaha aabbayaalkiin, ama guryaha hooyooyinkiin, ama guryaha walaalihiin, ama guryaha walaashiin, ama guryaha adeerradiin, ama guryaha eeddooyinkiin, ama guryaha abtiyadiin, ama guryaha habaryarihiin, ama guryahaad hanataan furihiisa, ama guryaha saaxiibbadiin, dhibna idin ma saarra inaad wax cuntaan idinkoo kooxa ah ama kala-tagsan, markaad gashaan guryana salaama naftiinna, salaan ka ahaatay Eebbe xaggiisa oo la barakeeyey oo fiican, saasuuna idiinku caddayn Eebbe aayaadka inaad wax kastaan.
  2. Mu‘miniintu waa uun kuwa rumeeyey Eebbe iyo Rasuulkiisa, markay la joogaan amar kulmiyey dartiis aan tagin intay ka idan-warsadaan, kuwa idan-warsada kuwaasu waa kuwa rumeeyey Eebbe iyo Rasuulkiisa, ee hadday kuu idan-warsadaan danahooda qaarkood u-idan ciddaad doonto oo kamid ah una dambi-dhaaf warso Eebbe, Ilaahay waa dambi-dhaafe naxariistee.

 

Aayadahanna waxay ka warrami aadaab kale iyo inay bannaan tahay in wax lala cuno dadka naafada ah iyo kuwa buka, waxna lagu cuno guryaha qaraabada iyo saaxiibbada iyo kuwaad hanataan furahoodaba, sidoo kale in koox koox wax loo cuno ama kali kali iyo in laysa salaamo marka la-gali guryaha, waxaasoo dhanna waa wax Eebbe u-caddayn si ay u-ogaadaan, taasina waxay ku tusin sida Diinta Islaamku wax walba oo dani ku jirto u-caddaysay, aayadda kalana waxay caddayn inay ahaayeen mu’miniintii dhabta ahaa kuwaan ka tagin kulanka Nabiga iyagoon idan-warsan, Nabiguna wuu idmi jiray cidday la noqoto, taasina waxay muujin in laga murgo danaha Muslimiinta oon lana ganta furin ee la dhawro isku-xidhnaantooda iyo danahooda. An-Nuur (61-62)

 

  1. Haka yeelina u-yeedhidda Rasuulka sida u-yeedhidda qaarkiin qaar, Eebbe wuu ogyahay kuwa dusi iyagoo gabban [fadhiga Nabiga] haka digtoonaadeen kuwa khilaafi amarka Nabiga inay ku dhacdo fitno [masiibo] ama ku dhoco cadaab daran.
  2. Eebbaa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka, waana ogyahay waxaad ku sugan tihiin, iyo maalinta loo celin xaggiisa, oo uga warrami waxay camal-faleen, Eebbana wax kasta waa ogyahay.

 

Ibnu Cabbaas wuxuu sheegay in asxaabtii ay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ugu yeedhi jireen si caadi ah oo magaciisa ah markaasaa Eebba faray inay qadariyaan oo ugu yeedhaan si haybad leh, Eebbana waa ogyahay munaafiqiinta ka dusi jiray fadhiga Nabiga, dadkuna haka digtoonaadeen khilaafka amarka Nabiga, taasoo fitno iyo dhib ka dhalan ama cadaab daran, Eebbana waxaa u-sugnaaday xukunka iyo awoodda khalqiga, wuuna ogyahay waxay ku sugnaan adduun iyo Aakhiraba, wuuna abaal-marin. Aayadduna waxay uga digi dadka khilaafka Nabiga iyo inaan lala imaan wuxuusan idmin. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ruuxii fala camal aan ahayn amarkannaga waa lagu celin.” Suuraddanna waa suurad wayn oo ka warranta aadaab wayn, sida ilaalinta carrabka, iska-ilaalinta zinada, dhawridda sharafta Muslimiinta iyo dadka, dhawridda galidda guryaha dadka, isa-salaamidda, indha-laabashada ragga iyo haweenka, is-asturidda haweenka iyo ilaalintooda sharaftooda, qiimaha Islaamka iyo iimaanka, awoodda Eebbe, caddaaladda iyo raacidda Xaqa, in Muslimiinta toosan u-hadhi dhulka, dhawridda danaha iyo fadhiga Muslimiinta, ixtiraamka Nabiga iyo raacidda amarkiisa. Saas darteed yey Cumar binu Khaddaab iyo Caa‘ishaba u-fari jireen Muslimiinta inay haweenkooda baraan suuraddan, Suuratun-Nuur. An-Nuur (63-64)

 

Suurat al-Furqaan

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaa khayr batay [oo wayn] Eebbaha kusoo dejiyey Qur’aanka addoonkiisii [Nabiga] inuu u-ahaado caalamka u-dige.
  2. Eebbaha uu u-sugnaaday xukunka samooyinka iyo dhulka, yeelaninna ilmo una sugnaanin shariik [la-wadaage] xukunka, abuurayna wax kasta, oo u-ahaysiiyey si qiyaasan.
  3. Waxay ka yeesheen Eebbe ka-sokow ilaahyo oon abuurayn waxba iyagana la abuuri una hananayn naftooda dhib iyo nafci [midna] oonan hananayn geeri iyo nolol iyo soo-bixin [midna].
  4. Waxay dheheen gaaladii, “Kani [Qur’aanku] ma aha waxaan been-abuur ahayn, uu la yimid, uguna kaalmeeyeen qawm kale,” waxay la yimaadeen dulmi iyo been [daran].
  5. Waxay dheheen, “Waa warkii dadkii hore oos ka qoray iyadaana loo yeedhiyaa aroor iyo galabba.”
  6. Waxaad dhahdaa, “Waxaa soo dejiyey Eebbaha og waxa ku qarsoon samooyinka iyo dhulka waana dambi-dhaafe naxariista.”

 

Waxaa ammaan mudan Eebbaha kusoo dejiyey Qur’aanka kala bixiyey Xaqa iyo baadilka addoonkiisii Muxammad ahaa waana wax Eebbe ku tilmaamo dadka waxa u-wayn, si uu caalamka ugu digo dhammaantii, waxayna ku tusin caalaminimada Diinta Islaamka, xukunkana Eebbaa iska leh, ilmo iyo shariikna ma leh, wax walbana isagaa abuuray, cid wax abuuri karta oo Eebbe kasoo hadhayna ma jirto, ama hanta dhib, nafci, geeri, nolol, iyo soo-bixin midna. Qur’aankuna waa dhab sugan oo Eebbe soo dejiyey, wax Nabigu la imaan karana ma aha, ciddii warkaas sheegtana waa mid beenalay ah ee halla yimaadeen wax lamid ah intay isu-tagaan, dhabtuna waa inay beenaalayaal caqli daran yihiin, warkooduna wax u-dhimi maayo Xaqnimada Qur’aanka, sharaftiisa iyo caalaminimadiisa, siduu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) u yidhi, “Waxaa lay diray dadka dhammaantiis.” Saas darteed waa inay ku eegaan il xaq ah. Al-Furqaan (1-6)

 

  1. Waxay dheheen gaaladii, “Muxuu leeyahay Rasuulkani oos u-cuni cunto una socon suuqa, maa loo soo dejiyo malag oo ahaado mid la diga?”
  2. “Ama maa loo tuuro [dejiyo] kanzi ama u-ahaato beer uu wax ka cuno xaggeeda?” Waxayna dheheen daalimiintu, “Ma raacaysaan waxaan nin sixran ahayn.”
  3. Bal day siday kuugu yeeleen tusaale oy u-dhumeen una karin [qaadidda] Jidka [Xaqa].
  4. Waxaa khayr badan Eebbaha hadduu doono kuu yeeli wax ka khayr-roon taas, Jannooyinna [kuu yeeli] oy socoto dhexdeeda wabiyaal kuuna yeeli daaro [Janno].
  5. Waxayse beeniyeen Saacadda [Qiyaame] waxaana u-darabnay ciddii beenisa Saacadda Naarta Saciira.
  6. Markay ka aragto meel fog waxay ka maqlaan cadho iyo guux.
  7. Marka lagu tuuro dhexdeeda meel cidhiidhi ah iyagoo isku-xidhan waxay u-yeedhaan halaag, iyo [khasaare].
  8. [Waxaana la dhihi] “Haw yeedhanina maanta halaag kaliya ee u-yeedha halaag badan.”

 

Gaalada iyo Xaq-diidayaashu si xun bay wax u-qiyaasaan una-qiimeeyaan, waxaana kamid ah inay sheegeen in Nabigu wax cuni, oo suuqa socon, iyo maxaa malag loola soo diri waayey, ama xoolo badan loo siin waayey, taasina waxay ku tusin inay il xoola-jacayl ku dayi wax walba, maxaase xoolo qiima leeyihiin haddaan Xaqa loogu gargaarin, ama lagu bixin, waase karaa Eebbe inuu siiyo Nabiga wax ka wanaagsan waxaas, wuxuuna siiyey Nabinimo, Qur’aan uu kusoo dejiyey, iyo wanaag Aakhiro, maxayse gaalo fali markay la kulmaan Naar daran oo guuxi, waa uun calaacal iyo oohin, waxaana sugnaatay in qof loo jiidi Naarta oy usoo ciyi sida baqal shaciir loo soo fidiyey, una soo gunuunici, isagoon jirin ruuxaan cabsanayn. Al-Furqaan (7-14)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Ma taasaa khayr-roon mise Jannada waaridda ee ah middii loo yaboohay kuwa dhawrsada? Waxayna u-ahaatay kuwaas [dhawrsada] abaal-marin iyo noqosho.”
  2. Waxayna ka helayaan dhexdeeda waxay doonaan wayna ku waari, arrintaasuna waa yabooh isa-saaray Eebbahaa oo sugan.
  3. Xusuusta maalintaan kulminayno gaalada iyo waxay caabudi oo Eebbe kasoo hadhay oos ku dhihi, “Ma idinkaa dhumiyey addoomadaydaas, mise iyagaa ka dhumay Jidka?”
  4. Waxayna odhon, “Waad nazahan tahay naguma habboona inaan yeelanno adi ka-sokow awliyo [gargaare], waadse u-raaxaysay iyaga iyo aabbayaalkood intay ka halmaamaan waxyiga, waxayna noqdeen kuwa halaagsamay.”
  5. Way idinku beeniyeen waxaad sheegaysaan mana kartaan furasho iyo gargaar midna, ciddii wax dulmida oo idin kamid ah waxaannu dhadhansiin cadaab wayn.

 

Ma sinna wanaagga Eebbe u-darbay mu‘miniinta, iyo ciqaabta gaalada, kuwaasoo ay is-diidi waxay caabudi jireen Eebbe ka-sokow, taasina waxay ku tusin in saaxiibnimo iyo isku-xidhnaan kasta oon Xaqa ahayn ay u-dambayn kala-tag iyo colnimo iyo in cibaado kasoo hadhay tan Eebbe ay tahay khasaare, iyo wadda kasta oon ahayn midda Eebbe ee Islaamka ah ay tahay dhumid iyo luggooyo. Al-Furqaan (15-19)

 

  1. Ma aanaan dirin Rasuul kaa horreeyey oon cunayn cunnada soconaynna suuqa, waxaana uga yeellay qaarkiin qaarka kale fitno [ibtilo] ee ma samraysaan? Eebbahaana waa arke.
  2. Waxay dheheen kuwaan rajaynayn la-kulankannaga, “Maxaa naloogusoo dejin waayey malaa‘ig, ama maan aragno Eebahanno?” Way is-kibriyeen [isula-waynaadeen] naftooda wayna madax-adaygeen madax-adayg wayn.
  3. Maalintay arki malaa’igta [geerida] ma bishaaraystaan maalintaas dambiilayaashu, waxayna odhan xijaab oodan iyo reebnaan yaa ah [wanaag iyo isla-kulan ma jiro].
  4. Waannu usoo hor-marinnay waxay faleen oo camal ah waxaana ka yeelnay dhalanteed la firdhiyey.
  5. Ehlu-Jannaha yaa maalintaas khayr-roon sugnaansho iyo wanaag badan qayluushi [hurdo].

 

Rasuulladii kama reebnayn inay wax cunaan, suuqana socdaan, dadkana waa laysku ibtileeyey Eebbana waa arkaa, gaalana xaq uma leh inay codsadaan in malaa‘ig lagusoo dejiyo, ama codsadaan inay Eebbe arkaan, taasi waa isla-wayni iyo kibir aan meel haysan, maalintay malaa‘ig arkaanna bishaaro ma arkaan ee waa balaayo iyo calaacal, calaacalna wanaag Aakhiro kuma helaan, illeen rumayn baa u shardi ah, waxaase wanaag iyo khayr ku bishaaraysan maalintaa mu‘miniinta, waana kaas kala-tagga aan kulan iyo dhawaansho ka dambeyn. Xadiith Qudsi ah wuxuu Eebbe ku yidhi Nabiga. “Waan ku imtixaami, kuguna imtixaani.” Naxariis iyo nabad-galyo Eebbe korkiisa ha yeelee. Al-Furqaan (20-24)

 

  1. Xusuuso maalintay samadu la dillaaci daruuraha, lana soo dejin malaa‘igta soo-dejin.
  2. Xukunka maalintaas ee Xaqa ah waxaa iska leh Eebbaha Raxmaan ah, waana maalin gaalada ku daran.
  3. Xusuusana maalintuu qaniini daalimku gacantiisa [faraha] isagoo dhihi, “Shalleytee, maan yeesho la-jirka Rasuulka jid [maan rumeeyo].”
  4. “Halaag iyo shalleytee, maxaan hebel saaxiib uga yeeshay?”
  5. “Wuxuu iga leexiyey Qur’aanka intuu ii yimid kadib?” Shaydaanna dadka wuxuu u-yahay dayace [meel xun kaga tage].
  6. Wuxuu yidhi Rasuulkuna, “Eebbow qawmkaygii waxay ka yeesheen Qur’aankan mid laga tagay [ma maqlaan].”
  7. Saasaan ugu yeellay Nabi kasta col dambiilayaal ah, Eebbaana ku filan Hanuuniye iyo Gargaare.

 

Sida wax badan sugnaatay maalinta Qiyaame waxaa dhici doorsoon iyo waxyaalo waawayn, xukunka dhabta ahna Eebbaa leh maalintaas waana maalin ku culus gaalada, oyna qoomamo faraha la qaniini, oyna shallaayi rumayn-la‘aantooda Rasuulka, oyna shallaytoon saaxiibkii xumaa ee Xaqa ka leexiyey ey yeesheen, waxaana sugan in Shaydaan yahay meel xun joojiyaha dadka. Nabiguna wuxuu u-cabtay Eebbe markay gaaladii beeniyeen kana tageen Qur’aanka, waxse ku gaar ah Nabiga ma aha ee Nabi kasta wuxuu lahaa col gaala ah, ka-tagidda Qur’aankana waa in la beeniyo, oo la diido, amaan lagu dhaqmin oon la raacin, oon la akhriyin, oon la fiirfiirinin, ama la halmaamo oon loo aabboyeelin, dhammaanna waa halaag iyo khasaare. Aayaduhuna waxay sugi waynida Qur’aanka, xukunka sugan ee Eebbe, dhibka ku dhici gaalo maalintaas, calaacalka iyo shallaytada gaalada, xumidda saaxiibka xun, Shaydaan inuu dadka dhibi, dhibaatada ka-tagidda Qur’aanka iyo ku-camal la‘aantiisa, in gaalo col u-tahay Xaqa iyo Diinta Islaamka, waxaana ku habboon cidda caqliga leh inay wanaagna hor-marsataa, xumaantana ka dheeraato, Qur’aanka iyo Nabigana si dhab ah u-raacdo una-rumayso, si ay u-liibaanto. Al-Furqaan (25-31)

 

  1. Waxay dheheen kuwii gaaloobay, “Maa lagusoo dejiyo Nabiga Qur’aanka mar kaliya [isagoo dhan]?” Saasaan yeellay inaan ku sugno qalbigaaga, waana kugu akhriyeynaa akhrin [fiican].
  2. Wixii tusaale ah oy kuula yimaadaanna waxaannu kuugula imaan Xaq iyo fasiraadda u-fiican.
  3. Kuwa lagusoo kulmin wajigooda [Naarta} Jahannamo kuwaasu waa kuwa u-xun meel uguna dhumid-badan jid.
  4. Waxaana siinnay [Nabi] Muuse Kitaabkii waxaana ka yeelnay la-jirkiisa walaalkiis Haaruun wasiir.
  5. Waxaana nidhi aada qawmkii beeniyey aayaadkannaga waana baabi’innay [halaagnay] baabi’in [halaag].

 

Waxay sheegeen gaaladii oy Qur’aanka ku ceebiyeen, “Maxaa loogusoo dejin waayay Nabiga Qur’aanka dhammaantiis mar qudha?” Taasina waa xujo xun, wuxuuna Eebbe ugusoo dejiyey Qur’aanka aayad aayad iyo suurad suurad xikmo darteed sida sugidda qalbiga Nabiga iyo xoojintiisa, u-jawaabidda gaalada, fudaydinta akhriskiisa iyo xifdigiisa iyo la-socodka dhacdada iyo waxyaalaha soo cusboonaan. Gaalana muxuu war u-tari mar hadday gali Jahannamo oo u-xun meel loo hoydo, Nabi Muuse iyo wuxuu Fircoon kala kulmayna wax badan yuu Qur’aanku ka warramay. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Qur’aanka hal mar yaa lagu soo dejiyey samada dhaw habeenka Laylatul Qadarka ah, markaas kadib loosoo dejiyey labaatan sano, sida aayaddu sheegtay.” Al-Furqaan (32-36)

 

  1. [Xusuuso] qawmkii Nabi Nuux, markay beeniyeen Rasuulladii yaan maansheynay ugana yeellay dadka calaamad, waxaana u-darabnay daalimiinta cadaab daran.
  2. Caadna [waan halaagnay] iyo Thamuud, iyo [ceelkii] Rassi ehelkiisii, iyo quruumo intaas u-dhexeeyey oo badan.
  3. Dhammaan waxaan u-yeellay tusaale dhammaanna waan halaagnay halaag.
  4. Way tageen gaaladu magaaladii lagusoo daadiyey roob xun [dhagax cadaab] miyeyna arkeyn? Waxayse ahaayeen kuwaan rajaynayn [ka-yaabayn] soo-kulmin.
  5. Hadday ku arkaan gaaladu waxay kaa yeeshaan jeesjees, iyagoo [dhihi] “Ma kanaa kan Eebbe soo bixiyey isagoo Rasuul ah?”
  6. “Wuxuu u-dhawaaday inuu naga dhumiyo ilaahyadannada haddaanaan ku samrin [ku adkaysan].” Waxay ogaadaan markay arkaan cadaabka cidda dhunsan.

 

Wax badan yuu Qur’aanku ka warramay Nabiyadii hore iyo qawmkoodii, waxaase loo baahan yahay in lagu waano-qaato, gaaladii Makkaadna way ku jeesjeesi jireen Nabiga iyagoo diiddan Rasuulnimadiisa, kuna madax-adaygi gaalnimadooda iyo ilaahyadooda baadilka ah. Taasina waa shaqada Xaq-diidayaasha ka hor-jeedsada Xaqa iyo dadkiisa iyagoo dhibi oo ceebeeyn, waxaase guusha hela Xaqa inta ku socota, day Nabigii iyo asxaabtiisii. Al-Furqaan (37-42)

 

  1. Ka warran ruux ka yeeshay ilaahiisa hawadiisa [suu jecel yahay] ma adaa wakiil [ilaaliye] ka noqon?
  2. Mise waxaad u-malayn in badankood wax maqli ama wax kasi? Ma aha waxaan xoolo oo kale ahayn, iyagaabase kasii dhunsan.
  3. Miyeydaan ogayn sida Eebbe u-fidiyo hadhka? Hadduu doonana wuxuu ka-yeeli lahaa mid xasilan [taagan] markaasaan ugu yeellay qorraxda korkiisa daliil [xujo].
  4. Markaasaan usoo qabannaa xaggannaga qabasho yar.
  5. Eebbe waa kan idinka yeelay habeenka astur, hurdadana raaxo, kana yeelnay maalinta soo-kulan [dhaqdhaqaaq].
  6. Eebbe [Sarreeye] waa kan u-dira dabaysha bishaaro darteed naxariistiisa [roobka] hortiisa, waxaana kasoo dejinnay samada biyo wax daahiriya.
  7. Inaan ku nooleyno magaalo dhimatay oon kuna waraabinno waxaan abuurnay xoolo iyo dad badan.
  8. Waana ku kala-duwnay [badinnay] dhexdooda, inay xusuustaan, wuuna diiday dadka badidiis waxaan gaalnimo badan ahayn.

 

Cid dhuntay oo hawadeeda raacday, Nabiga wax kama saarra, illeen waa xoolahoo kale. Tan kale waxaa kamid ah aayaadka Eebbe fidinta hooska, qorraxda, habeenka, maalinta, iyo roobka dhulka nooleeya, hase yeeshee dadka badidiis waxay doorteen gaalnimo, waxyaalahaas lasoo sheegayna waxay inoogu yeedhi rumaynta Eebbe iyo raacidda sharcigiisa, iyo u-hoggaansan dhab ah iyo rumayn sugan. Al-Furqaan (43-50)

 

  1. Haddaan doonno waxaan ka bixin lahayn magaalo kasta dige [Nabi].
  2. Ee ha adeecin gaalada kulana jahaad Qur’aanka Jahaad weyn.
  3. Eebbe wuu isku-daraa labada badood, kaasi waa macaan daran, kaasna waa khadhaadh daran [afku diido] yeelayna dhexdooda soohdin iyo xaajiz awdan.
  4. Eebbana waa kan ka abuuray biyaha dad, kana yeelay qaraabo iyo soddognimo, Eebbahaana wuu karaa [wuxuu doono].
  5. Waxayna caabudi gaaladu Eebbe ka-sokow waxaan anfacayn oona dhibayn, gaalna wuxuu ahaaday mid kasoo hor-jeeda Eebbihiis.
  6. Ma aanaan kuu dirin inaad bishaareeye dige ah [noqoto mooyee].
  7. Waxaad dhahdaa, “Idinkama warsado [Xaqa-gaadhsiintiisa] ujuuro, ruuxiise dooni inuu ka-yeesho Eebbihiis xaggiisa waddo [khayr ha falo].

 

Ilaah baa awoodda leh, hadduu doonana wuxuu u-diri lahaa magaalo kasta Nabi, waxayse keentay xikmaddiisu inuu Nabiga u-diro dadkoo dhan, farayna inuusan maqlin warka gaalada kulana jahaado Qur’aanka iyo gaadhsiintiisa Xaqa, waana Eebbaha ahaysiiyey badaha, kana yeelay kuwa kala duwan kalana jooga, biyahana ka abuuray dad, kana yeelay qaraabo iyo raxim, saas darteedna ayna habboonayn in wax lala caabudo Eebbe, gaalase waxay noqdeen kuwa Shaydaan u-kaalmaystay kasoo hor-jeedka Eebbe, Nabiguse waa bishaareeye digi, wax ujuuro ahna kama doono gaadhsiinta Xaqa. Saciid binu Jubayr wuxuu yidhi, “Gaal wuxuu noqday u-kaalmeeyaha Shaydaanka colnimada iyo gaalnimada.” Zayd binu Aslama wuxuu yidhi, “Wuxuu noqday xidhiidhiyaha Shaydaanka.” Al-Furqaan (51-57)

 

  1. Talo-saaro Eebbaha nool een dhimanayn una tasbiixso adoo mahdin, Eebbaana ku filan dambiga addoomadiisa ogaanshihiisa.
  2. Waana Eebbaha ku abuuray samooyinka iyo dhulka iyo waxa u-dhexeeya lix maalmood, kuna istawooday Carshiga [si u-cunanta] ee warso cid wax og.
  3. Marka la dhaho, “U-sujuuda [Eebbaha] Raxmaan ah,” waxay dhahaan, “Muxuu yahay Raxmaan? Ma waxaan u-sujuudeynaa waxaad na farayso,” wuxuuna u-kordhiyey carar.
  4. Waxaa khayr badnaaday Eebbaha yeela samada burjiyo yeelayna dhexdeeda siraaj [qorrax] iyo dayax ifi.
  5. Eebbana waa Ilaah uga yeelay habeenka iyo maalinta is-beddel ciddii doonta inuu wax xusuusto ama doono inuu mahdiyo.

 

Wuxuu Eebbe faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) dadka kalana waa lamid ee inuu Eebbe talo-saarto markuu raaco wuxuu Eebbe faray samayntiisa, illeen talo-saarashadu ma aha seexo ama shaqada ka-fadhiiso, ee waa in lala yimaado asbaabta intaas kadibna Eebbe la talo-saarto, illeen Isagaa nool oon dhimanayne, oo awoodda leh, mudanna mahad, waynayn, cibaado iyo baryaba, mana habboona in layska-kibriyo sujuuddiisa iyo cibaadadiisa, miyuuna mudanin waxaas Eebbaha cirka yeelay burjiyo, qorrax iyo dayax, yeelayna habeen iyo dharaar is-baddala, oos ku waano-qaato ciddii wax xusuusan ama waana qaadan? Gaaladii Qureysheed way diidi jireen magaca Eebbe ee Raxmaan, waxayna dhihi jireen, “Waa maxay Raxmaan?” Markaasaa Eebbe ku ceebiyey arrintaas. Al-Furqaan (58-62)

 

  1. Addoomada Eebbaha Raxmaan ah waa kuwa u-socda dhulka xasillooni, markay la-hadlaan [af-xumeeyaan] jaahiliinna yidhaahda, “Nabadgalyo.”
  2. Ee ah kuwa ku barya [habeenkii] iyagoo u-sujuudi oo u is-taagi [cibaado] Eebbe.
  3. Ee ah kuwa dhihi, “Ilaahow naga iil cadaabka Jahannamo, cadaabkeedu waa joogtee.”
  4. “Iyaduna waxay u-xun tahay ku-sugnaansho iyo ku-nagaadi.”
  5. Ee ah kuwa markay wax bixiyaan aan xad-gudbin cidhiidhiyinna, oo intaas dhexdeeda ku-toosnaada.
  6. Ee ah kuwaan caabudayn Eebbe la-jirkiisa ilaah kale, oona dilayn naftuu Eebbe xarrimay dilkeeda xaq mooyee, oon zinaysanayn, ciddii saas fashana waxay la kulmi dambi.
  7. Waxaana loo laablaabi cadaabka maalinta Qiyaame, wuuna ku waari dhexdiisa isagoo dullaysan.
  8. Ciddii tawbad-keenta oo rumaysa oo fasha camal fiican mooyee, oo kuwaas waxaa loogu baddali xumaantooda wanaag, Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.
  9. Ruuxii tawbad-keena oo fala wanaag wuxuu u-noqon Eebbe noqosho.

 

Isla-wayni Islaamku ma oggola, wuxuuna fari in jaahiliinta warkooda layska dhaafo, Eebbana la caabudo, lagana magan-galo Naarta, oon nafaqadana lagu xad-gudbin layskuna cidhiidhiyin ee la dhexdhexeysto, gaalnimana layska jiro, iyo dil naf la reebay oo xaq-darro, zinana laga fogaado, waxyaalahaasna waa waxa laablaaba cadaabka, ciddiise tawbad-keenta Eebbe wuu ka aqbali, xumaantana wuxuu ugu baddali wanaag, tilmaamahaasna waxaa ku sifooba mu‘miniinta fiicfiican. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbe haw shariik yeelina, naf xaq-darrana ha dilina, hana zinaysanina, hana xadina.” Waxaa sheegay Salamo binu Qays. Al-Furqaan (63-71)

 

  1. [Kuwa fiican] waa kuwaan furayn been, markay maqlaan hadal xunna mara iyagoo wanaagsan [ka jeedsada].
  2. Waana kuwa marka lagu waaniyo aayaadka Eebbahooda aan dhicin dhago- iyo indho-la‘aan.
  3. Waana kuwa dhihi, “Eebbow naga sii [naga tusi] haweenkannaga iyo carruurtannada wax ishu ku qabowsato, noogana yeel kuwa dhawrsada imaam.”
  4. Kuwaas waxaa lagu abaal-marin fooqa [Janno] samirkoodii dartiis, waxayna kula kulmi dhexdeeda salaan iyo soo-dhawayn.
  5. Wayna ku waari dhexdeeda waxaana u-wanaagsan Jannada ku-sugnaan iyo nagaadiba.
  6. Waxaadna dhahdaa, “Idiinma aabboyeeleen Eebbahay haddaydaan baryeyn [illeen] waad beeniseen [Xaqee] wuxuuna ahaan mid idin laazima beeninta [ciqaabta].

 

Waxaa kamid ah tilmaanta addoomaha Eebbe inay yihiin kuwaan joogsan meel gaalnimo, oon furinna been iyo xumaan, kana jeedsada waxa macno-darro, kasa oo fahma aayaadka Eebbe een garasho-la‘aan iyo indho-la‘aan la joogin, waana kuwa ehelkooda wanaagga la jeclaada iyo Eebbe ka-yaabid, illeen haddii kale wax kuuma taraan. Kuwaa toosnaan ee Eebbe warsan inuu ka yeelo imaamyo lagu daydo oo suubban, kuwaas Jannaa lagu abaal-marin samirkooda dartiis, waxayna la kulmi salaan iyo soo-dhawayn, iyo ku-sugnaan meel fiican, Eebbana cidduu u-aabbayeeli ama danayn ma jirto haddayna caabudin ooyan baryin, gaalana hadday Xaqa beeniyaan waxaa haleeli ciqaabtiisa. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Maydiinka warramaa ka u-wayn dambi?” saddex goor, waxayna dheheen, “Haa,” wuxuuna yidhi, “Gaalnimo, caaq-waalid, iyo hadalka beenta ah iyo maragga beenta ah,” wuuna celceliyey intaan ka dhahno, “Muu aamuso.” Saxiix. Al-Furqaan (72-77)

 

Suurat Ash-Shucaraa’

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Daa. Siin. Miim. [Waxay ku tusin mucjizada Qur’aanka sida soo hor-martay.]
  2. Taasi waa aayadihii Kitaabka cad.
  3. Waxaadna u-dhawdahay [Nabiyow] inaad halaagto naftaada haddayna rumayn Xaqa.
  4. Haddaan doonno waxaan kaga soo dejinaynaa korkooda samada aayad oy noqoto luquntoodu miday u-khushuucdo.
  5. Wax kasta oo Qur’aan ah oo uga yimaada xagga Eebbaha Raxmaan ah oo soo darriyo [cusboonaada] waxay ahaan kuwo ka jeedsada.
  6. Waxayna beeniyeen [Xaqa] waxaase u-imaan warka waxay ku jeesjeesayeen.
  7. Miyeyna arkayn dhulka inaan kasoo bixinno nooc kasta oo fiican?
  8. Taasna waxaa ku sugan aayad badankooduna ma aha mid rumeyn [Xaqa].
  9. Eebbahaana waa adkaade naxariista.

 

Aayaduhu waxay xoojin oo calool adkayn Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) iyo in Eebbe awoodda leeyahay oo wuxuu doono kusoo dejin karo, waxayse ka caada-yeesheen gaaladu inay Xaqa beeniyaan, wayse ogaan cidhibta arrintaas. Ciddiise waano qaadan ha daydo iyo waxa Eebbe kasoo bixiyo oo ah wax lagu waano-qaato. Shacbi wuxuu yidhi, “Dadka waxaa laga abuuray dhulka ciddii Jannada gashana waa mid fiican, kii Naarta galana waa mid xun.” Ash-Shucaraa’ (1-9)

 

  1. [Xusuuso] markuu ugu yeedhay Eebbahaa [Nabi] Muuse inuu aado qawmka daalimiinta ah.
  2. Qawmka Fircoon, may dhawrsadaan.
  3. Wuxuu yidhi [Nabi] Muuse, “Eebbow waxaan ka cabsan inay i beeniyaan.”
  4. “Ooy cidhiidhyanto laabtaydu, siina daysmin carrabkaygu ee dir la-jirkayga Haaruun.”
  5. “Waxayna igu leeyihiin dambi [godob] waxaana ka cabsan inay i dilaan.”
  6. Wuxuu yidhi Ilaahay, “Saas ma aha ee la aada aayaadkannaga, Annagaa idinla jirra maqlina.”
  7. “Ee u-taga Fircoon una dhaha, ‘Annagu waxaan nahay Rasuulka Eebbaha caalamka.’”
  8. “Ee dir [u-oggolow] banii-Israa’iil la-jirkannaga.”
  9. Wuxuu yidhi [Fircoon] “Miyaanaan kugu barbaarinin dhexdannada adoo yar oodan ku nagaanin dhexdannada cimrigaaga sanooyin.”
  10. “Ood fashay arrintaad fashay adoo diiddan [sama-falkii].”
  11. Wuxuu yidhi [Nabi] Muuse, “Waan falay anoon wax kasayn.”
  12. “Waana idinka cararay markaan idinka cabsaday markaasuu Eebbe i siiyey Nabinimo, igana yeelay kuwa la diray [Rasuul].”
  13. “Taasise ma nicma aad igu mannaysan baa haddaad addoonsatay banii-Israa‘iil?”

 

Wax badan yuu Eebbe ka warramay siduu u-diray Nabi Muuse iyo siduu u-beeniyey Fircoon iyo wixii dhex-maray, iyo say u-doodeen, dood xaq iyo run ah oo Nabi Muuse iyo dood kibir iyo been ah oo Fircoon, waxaase hadhay Xaqii, waxaana tagay oo halaagsamay xumaantii iyo isla-waynidii, waana sidaa waligeed Xaqa iyo baadilka iyo kibirka. Ash-Shucaraa’ (10-22)

 

  1. Fircoon wuxuu yidhi, “Waa maxay Eebbaha caalamka?”
  2. Wuxuu yidhi [Nabi] Muuse, “Waa Eebbaha samooyinka iyo waxa u-dhexeeya haddaad wax yaqiinsanaysaan [rumaynaysaan].”
  3. Wuxuu ku yidhi [Fircoon] kuwii gaararkiisa ahaa, “War ma maqlaysaan?”
  4. Wuxuu yidhi [Nabi] Muuse, “Waa Eebbihiin iyo Eebbaha aabbayaalkiinnii hore.”
  5. Wuxuu yidhi Fircoon, “Rasuulkiinna laydiin soo diray waa waalan yahay.”
  6. Wuxuu yidhi [Nabi] Muuse, “Waa Eebbaha bari iyo galbeed iyo waxa u-dhexeeya haddaad wax kasaysaan.”
  7. Wuxuu yidhi Fircoon, “Haddaad yeelato ilaah igasoo hadhay waxaan kaa yeeli kuwa xabbisan.”
  8. Wuxuu yidhi [Nabi] Muuse, “Haddaan kuula imaado wax cadna?”
  9. Wuxuu yidhi Fircoon, “La imow haddaad run sheegi.”

 

Wali waxaa socda dooddii Xaqa iyo baadilka, Xaquu u-yeedhi Nabi Muuse amar Eebbe iyo baadil uu hoggaamin Fircoon waswaasin Shaydaan iyo kibir iyo isla-waynaan wax ka jirin, sidaasayna had iyo jeer u-loollamaan Xaqa iyo baadilku, waxaase la rabaa mu‘minka dhabta ah inuu ku-sugnaado Xaqa uguna yeedho dadka si cad oon qallooc, caytan iyo af-lagaaddo lahayn, bal day hadalka Nabi Muuse iyo Fircoon hadalkiisa, waa waano, is-farid iyo run Nabi Muuse, iyo af-xumo iyo caytan Fircoon faafin, taasina waxay wax tusaalayn kuwa Xaqa fari oo wanaagga u-yeedhi. Ash-Shucaraa’ (23-31)

 

  1. Markaasuu tuuray [Nabi] Muuse ushiisii waxayna noqotay mas muuqda.
  2. Wuxuuna siibay gacantiisa waxayna ahaatay mid u-cad dadka dayi.
  3. Wuxuu ku yidhi [Fircoon] kuwii gaararkiisa ahaa, “Kani waa sixirre xeel dheer.”
  4. “Doonina inuu idinkaga bixiyo dhulkiinna sixirkiisa ee maxaad faraysaan?”
  5. Waxay dheheen, “Dib u-dhig isaga iyo walaalkiis [xaalkooda] una dir magaalooyinka kuwo soo kulmiya.”
  6. “Ha kuu keeneen sixirre kasta oo xeel dheer.”
  7. Waxaana loo kulmiyey saaxiriintii imaatin maalin la-yaqaan.
  8. Waxaana loo yidhi dadkii, “Ma kulmaysaan?”
  9. “Inaan raacno saaxiriinta hadday adkaadaan?”

 

Nabi Muuse wuxuu Eebbe ku xoojiyey mucjizado, sida usha, gacanta nuuri, iyo kuwo kale, Fircoonse wuu ka madax-adaygay, oo diiday Xaqa, isagoo u-tusin qawmkiisii in [Nabi] Muuse xumaan iyo dhulkoos ka bixiyo waddo, isuna ekeysiiyey inuu ku xidhan yahay hadalkooda iyo ra‘yigooda, oyna wax faraan si uu ugu tallaabsado maslaxaddooda, iyaguna waxay kula arrimiyeen in xaalka dib loo dhigo, dadna loo diro magaalooyinka si ay usoo kulmiyaan kuwa sixirka aad u-yaqaan, waana lasoo kulmiyey saaxiriintii, dadkiina way soo kulmeen si ay u-raacaan saaxiriinta hadday adkaadaan. Maxaase dhacay? Waa waxay ka warrami aayadaha soo socda, kana warrameen kuwo badan. Fircoon warkiisu waa badan yahay, waxaase la-yaab leh inuu noqdo mid Xaqa ilaalin oo maslaxadda dadkiisa dhawri, kuna xidhan hadalkooda iyo amarkooda, dhabse ma aha taasi. Ash-Shucaraa’ (32-40)

 

  1. Markay yimaadeen saaxiriintii waxay ku dheheen Fircoon, “Ujuuro ma leennahay haddaan adkaanno?”
  2. Wuxuuna yidhi, “Haa, waxaadna noqonaysaan kuwa ii dhow.”
  3. Wuxuu ku yidhi [Nabi] Muuse, “Tuura waxaad tuuraysaan.”
  4. Waxayna tuureen xadhkahoodii iyo ulahoodii, waxayna dheheen, “Sharafta Fircoon yaan ku dhaarannaye annagaa adkaan.”
  5. Markaasuu tuuray [Nabi] Muuse ushiisii waxayna ahaatay mid gurata waxay dhoodhoobeen.
  6. Waxaana la riday saaxiriintii sujuud darteed.
  7. Waxayna dheheen, “Waxaan rumaynay Eebbaha caalamka.”
  8. “Eebbaha [Nabi] Muuse iyo [Nabi] Haaruun.”

 

Saaxiriintii markay ka yimaadeen Masar jahooyinkeeda iyagoo ah kuwo ugu sixir badan, ahna dad badan yey waydiisteen Fircoon abaal-gud hadday adkaadaan, wuuna u ballan-qaaday inuu abaal-mariyo, wuxuuna ugu deeqay inay noqdaan kuwa u-dhow ee agtiisa jooga, wayna tuureen waxay soo dhoodhoobeen oo sixir ah, iyagoo ku dhaartay Fircoon inay adkaan, wayse beenowday dhaartii, waxaana cuntay waxay wateen ushii Nabi Muuse, markaasay garteen inay xumaan ku socdeen, wayna tawbad-keeneen, iyagoo rumeeyey Eebbe iyo Xaqay la yimaadeen Nabi Muuse iyo Nabi Haaruun. Saasuuna u-sarreeyey Xaqii una buray sixirkoodii loogana adkaaday Fircoon iyo colkiisii. Xujada cad ee Xaqaba way jabisaa xumaanta iyo baadilka had iyo jeer. Ka-dhawrsasho iyo sharaf iyo ku-dhaarashana waynaa muta Eebbe Sarreeye. Ash-Shucaraa’ (41-48)

 

  1. Wuxuu yidhi Fircoon, “Miyaad rumeyseen Muuse kahor idankayga? Isagu waa kan idiinku wayn ee idin baray sixirka waadse ogaan doontaan, waxaana u-goyn gacmahiinna iyo lugahiinna is-dhaaf, waana idin wadhi dhammaantiin.”
  2. Waxayna dheheen, “Dhib ma leh annagu xagga Eebbahannaan u-noqonaynaa.”
  3. “Waxaana dalbaynaa [damcaynaa] inuu noo dhaafo Eebbahanno gafafkannaga inaan noqonnay kuwii ugu hor rumeeyey [Xaqa].”
  4. Waxaan u-waxyoonay [Nabi] Muuse, “Guuri addoomadayda waa laydin raaciye.”
  5. Markaasuu u-diray Fircoon magaalooyinka kuwo soo kulmiya.
  6. Isagoo dhihi, “Kuwaasu [banii-Israa‘iil] waa koox yar.”
  7. “Wayna na cadho-galiyeen.”
  8. “Waxaana nahay kuwo had iyo jeer digtoon.”
  9. Waxaana ka bixinnay beero iyo ilo [biyo].
  10. Iyo kanziyo iyo nagaadi fiican.
  11. Waxaana dhaxalsiinnay banii-Israa‘iil.

 

Xaqii baa caddaaday, Fircoonse waa inuu qariyo jabkiisa, wuxuuna isku rogay colkuu soo doortay kuna tuhmay inay shirqoolayaan, oy Muuse wax la hayeen, wuuna haddiday inuu layn, waxbase kama tarin, illeen Xaqay rumeeyeene, Eebbana wuxuu faray Nabi Muuse inuu la guuro inta rumaysay, Fircoonna waa raacay isagoo soo kulmiyey colkiisii, marna haddidi Muuse iyo intii rumaysay, mana faa‘iidin, waxayse ku dhammaatay in la halaago siday aayaduhu sheegi. Ash-Shucaraa’ (49-59)

 

  1. Markaasay raaceen [ka daba-duuleen] qorrax-soo-bixii.
  2. Markay isu-muuqdeen labadii kooxood waxay dheheen asxaabtii [Nabi] Muuse, “Innaga waa layna haleelay.”
  3. Wuxuuna yidhi [Nabi] Muuse, “Saas ma aha ee Eebbahay baa ila jira, wuuna i toosin.”
  4. Waxaana u-waxyoonay [Nabi] Muuse, “Ku garaac ushaada badda,” wayna kala jeexantay baddii wuxuuna noqday jeex kasta buur wayn oo kale.
  5. Waana kusoo dhawaynay halkaas kuwii kale [colkii Fircoon].
  6. Waxaana korinnay [Nabi] Muuse iyo intii la jirtay dhammaan.
  7. Kadibna waxaan maanshaynay kuwii kale.
  8. Arrintaasna waxaa ku sugan aayad mana aha badankood kuwo rumeyn.
  9. Eebbahaana waa adkaade naxariista,

 

Waxay sheegeen fasirayaashu in Fircoon la baxay col wayn oo ka kooban madaxdii iyo askartii. Aayaduhuna waxay noo sheegeen in markay isku dhawaadeen labadii col oy ku calaacaleen dad kamid ah qawmkii Nabi Muuse in la haleelay, wuxuuse ku kalsoonaa Ilaahiis inuu toosin, wuxuuna u-waxyooday inuu badda garaaco, oyna kala jeexantay, Fircoon iyo colkiisina lagusoo dhaweeyey, lana koriyey Nabi Muuse iyo intii la jirtay, lana halaagay oo la maansheeyey Fircoon iyo colkiisii, taasina waa calaamad lagu waano-qaato. Wuxuu wariyey Ibnu Abii Xaatim in markuu Nabi Muuse gaadhay badda ku baryey Eebbe, “Ilaaha ahaa wax kasta hortiis oo ahaysiiyey wax kastow, oo ahaan wax kasta gadaashiisow, noo yeel faraj.” Markaasuu Eebbe u-waxyooday, “Garaac badda,” waana taas ku-xidhnaanta Eebbe iyo rumayntiisu. Ash-Shucaraa’ (60-68)

 

  1. Ku akhri korkooda warkii [Nabi] Ibraahiim.
  2. Markuu ku yidhi aabbihiis iyo qawmkiisii, “Maxaad caabudaysaan?”
  3. Waxay dheheen, “Waxaannu caabudi sanamyo oonu ahaan kuwo ku nagaada.”
  4. Wuxuu yidhi [Nabi Ibraahiim] “Maydin maqlayaan markaad baryeysaan?”
  5. “Mase idin anfaci ama idin dhibi?”
  6. Waxay dheheen, “Waxaan hellay aabbayaalkanno oo sidaas fali.”
  7. Wuxuu yidhi, “Bal warrama waxaad caabudaysaan,”
  8. “Idinka iyo aabbayaalkiinnii horreeyey,”
  9. “Hadday iyagu col ii yihiin Eebbaha caalamka mooyee.”

 

Aayadahani waxay ka warrami addoonkii Eebbe iyo Rasuulkiisii ahaa imaamka kuwa toosan Nabi Ibraahiim, wuxuuna Eebbe faray Rasuulkiisa Muxammad ah (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu ku akhriyo ummaddiisa inay ku daydaan, kali-yeelidda cibaadada, tala-saarashada Eebbe, ka-fogaanshaha gaalnimada, illeen Eebbaa siiyey hanuun iyo wanaag uu ku diray waxay caabudi jireen qawmkiisii, isagoo u-sheegay inayan wax tarayn cibaado waxaan ku maqlayn, waxna anfacayn, waxaase wax la caabudo oo laysku halleeyo ah Eebbaha caalamka ee awoodda leh. Tan kale walaalnimadu waa tan iimaanka iyo Islaamnimada, wixii kasoo hadhayse waa col aan heshiis lahayn. Ash-Shucaraa’ (69-77)

 

  1. “Ee Eebbaha i abuuray ee ah kan i hanuunin.”
  2. “Kan i quudin ee i waraabin.”
  3. “Markaan bukoodana isagaa i caafiya.”
  4. “Waana kan i dili ina noolayn.”
  5. “Ee ah kaan damci inuu ii dhaafo gafafkayga Maalinta Abaal-marinta.”
  6. “Eebbow i sii xikmo [Nabinimo] ina haleeshii kuwa suubban.”
  7. “Iina yeel sheegid run ah [fiican] kuwa dambe.”
  8. “Igana yeel kuwa dhaxli Jannada Naciimo.”
  9. “Una dambi-dhaaf aabbahay wuxuu kamid ahaa kuwa dhumaye.”
  10. “Hana i dullayn maalinta lasoo bixin [dadka].”
  11. “Maalintayna wax anfacayn xoolo iyo ilmo midna.”
  12. “Ruux ula yimaada Eebbe qalbi fayow mooyee [iimaan].”

 

Eebbaa wax abuura, waxna hanuuniya, waxna quudiya, oo waraabiya, Isagaana wax caafiya, waxna dila, waxna nooleeya, dambigana u-dhaafa mu‘miniinta, saas darteed yuu Nabi Ibraahiim u-warsaday inuu xikmo oo ah cilmi, Nabinimo iyo wanaag siiyo. Dadkii fiicnaana raaciyo, ammaan iyo qaddarinna ugu yeelo dadka dambe, kana yeelo kuwa dhaxli Jannada, una dambi-dhaafo aabbihiis illeen wuxuu kamid ahaa kuwa dhumaye, waxayna ahayd intayna u-caddaan, iyo inuusan dullayn maalinta dadka lasoo bixin, oon xoolo iyo carruur wax tarayn, ee camal fiican iyo qalbi nabadgalay kaliya wax tari. Saciid binu Musayib wuxuu yidhi, “Qalbiga nabadgalay waa kan fayow, waana qalbiga mu‘minka, illeen qalbiga gaalka iyo munaafaqu waa bukaaye.” Waana taas ku-xidhnida Eebbe iyo aqoonsigiisu. Ash-Shucaraa’ (78-89)

 

  1. Waana loo dhawayn Jannada kuwa dhawrsada [mu‘miniinta dhabta ah].
  2. Waana loo muujin Jaxiimo kuwa baadiyoobay.
  3. Waxaana lagu dhihi, “Aaway waxaad caabudayseen?”
  4. “Oo Eebbe kasoo hadhay, maydiin gargaarayaan ama gargaarsanayaan?”
  5. Waana lagu hambooriyey [tuuri] dhexdeeda iyaga iyo kuwa baadiyoobay.
  6. Iyo junuudda [askarta] Ibliis dhammaan.
  7. Waxayna odhan iyagoo dhexdeeda ku doodi
  8. “Eebbaan ku dhaarannaye waxaan ku sugnayn baadi cad.”
  9. “Markaan idilla sinnay Eebbaha caalamka.”
  10. “Wax na dhumiyey oon dambiilayaasha ahayn ma jiro.”
  11. “Mana lihin wax noo shafeeca.”
  12. “Iyo saaxiib dhaw.”
  13. “Ee haddaan noqonno oon ahaanno mu‘miniin!”
  14. Taas waxaa ku sugan calaamad badankoodna ma rumeeyo [Xaqa].
  15. Eebbahaana waa adkaade naxariista.

 

Qiyaamada xaalkeedu waa daran yahay sida wax badan Qur’aanku ka warramay, Jahannamana waxaa loo soo dhawayn Ibliis, gaalo iyo inta raacdayna Naartaana lagu tuuri, oyna ku murmi dhexdeeda iyagoo calaacali oo qiran xumaantii iyo dambigii, wax u-gargaari iyo wax u-shafeecina ma jiro, waqtigaas oo kalena calaacal wax ma taro ee waxaa wax tara iimaan iyo wanaag hor-marsasho. Ash-Shucaraa’ (90-104)

 

  1. Waxay beeniyeen qawmkii [Nabi] Nuux Rasuulladii.
  2. Markuu ku yidhi walaalkood Nuux, “Miyeydaan dhawrsanayn?”
  3. “Anigu waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah.”
  4. “Ee ka dhawrsada Eebbe ina adeeca.”
  5. “Idinkana warsan maayo [Xaqa] ujuuro, ajrigayga Eebbaha caalamkaan ka sugi.”
  6. “Ee Eebbe ka dhawrsada ina adeeca.”
  7. Waxay dheheen, “Ma waxaanu ku rumayn adooy ku raaceen kuwa dullaysan [xun xun]?”
  8. Wuxuu yidhi, “Maxaan ka ogahay waxay fali?”
  9. “Xisaabtooda Eebbe un baa leh haddaad wax garanaysaan.”
  10. “Anuguna ma eryayo mu‘miniinta.”
  11. “Waxaan u-dige cad ahayna ma ihi.”

 

Qisada Nabi Nuux horaan usoo sheegnay wayna imaan doontaa, waxyaalahase ay halkan taabatay waxaa kamid ah caqli-xumida gaalada iyo inay dadka ku qiimeeyaan xoolaha iyo muuqaalka. Tan kale in Xaqa loo siman yahay cid gaar loogu dhaqaalayna ayna jirin, ajriga iyo abaal-marinta Xaq u-yeedhayaashana Eebbaa leh, illeen abaal-marin adduun wax kuuma tartee, taasna waxay ku tusin in ciddii wax bari dadka oo Xaqa tusi looga baahan yahay inay dhawraan caddaaladda iyo ku-xidhnaanta Eebbe. Ash-Shucaraa’ (105-115)

 

  1. Waxay dheheen, “Haddaadan joogin Nuuxow waxaad noqon kuwa la dhagaxyeeyo.”
  2. Wuxuuna yidhi, “Eebbow qawmkaygii waa i beeniyeen.”
  3. “Ee na kala-xukun dhexdannada, ina kori ani iyo inta ila jirta ee mu‘miniinta ah.”
  4. Waxaannu ku korinnay isaga iyo intii la jirtay doontii buuxday.
  5. Kadibna waxaan maanshaynay kuwii hadhay [gaaladii].
  6. Taasna waxaa ku sugan calaamad mana aha badankoodu kuwo rumayn.
  7. Eebbahaana waa adkaade naxariista.

 

Markuu Nabi Nuux u-yeedhay qawmkiisii habeen iyo dharaarba, muddo dheerna la noolaa, diideenna Xaqii yey goosteen caadadii xumayd ee Xaq-diidayaasha oo ah inay la-dagaallamaan Nabigaas wanaagga fari, waxayna ku haddideen inay dhagax la dhici hadduusan joogin, joojinna Xaq u-yeedhidda, Eebbaase kala-xukumay oo koriyey Nuux iyo mu‘miniintii la jirtay, halaagayna gaaladii Xaqa diidday, taasna Eebbaa u-yaboohay kuwa Xaqa ku taagan inuu u-gargaaro markay run sheegaan oo fuliyaan sharciga Eebbe kuna dhaqmaan. Ash-Shucaraa’ (l 16-122)

 

  1. Waxay beeniyeen Caad Rasuulladii.
  2. Markuu ku yidhi walaalkood Huud, “Miyeydaan dhawrsanayn?”
  3. “Anigu waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah.”
  4. “Ee ka-dhawrsada Eebbe ina adeeca.”
  5. “Idinkamana warsanaayo Xaqa ujuuro, ajrigaygana Eebbaha caalamkaan ka sugi.”
  6. “Miyaad ka dhisaysaan meel sare oo dhan calaamad [daar] idinkoo ciyaari?”
  7. “Ood yeelanaysaan masaanic [dhismo] inaad waartaan darteed?”
  8. “Haddaad wax qabataan ciqaabtaan una ciqaabaysaan si daran.”
  9. “Ee Eebbe ka-dhawrsada ina adeeca.”
  10. “Kana dhawrsada Eebbaha idin siiyey waxaad ogtihiin.”
  11. “Wuxuu idin siiyey xoolo iyo carruur.”
  12. “Iyo beero iyo ilo.”
  13. “Waxaana idiinka digi cadaab maalin wayn.”

 

Reer Caad wax badan yuu Qur’aanku ka warramay, waxaase mudan in laysku baraarujiyo siday wax u-dhisan jireen kibir, isla-wayni iyo waarid darteed, maxayse u-tartay? Waxba. Waxaa la sheegay in markuu arkay Abuu Dardaa waxay Muslimiintu ka dhiseen qoodha inuu ka is-taagay masaajidka, kuna dhawaaqay, “Reer Dimishqow!” Markay kusoo kulmeenna uu Eebbe ammaanay oos yidhi, “Miyeydaan xishoonayn? Waxaad kulminaysaan waxaydaan cunayn, waxaad dhisaysaan waxaydaan dagayn, waxaadna doonaysaan waxaydaan gaadhayn, waxaa idinka horreeyey Caad oo hanatay Cadan iyo Cummaan dhexdeeda ee yaa dhaxalkoodii iga siin labo Dirham?” Ash-Shucaraa’ (123-135)

 

  1. Waxay dheheen, “Waxaa isu kaanna mid ah waanisayaa ama maadan waanininaa.”
  2. “Kanna ma aha waxaan dabeecaddii [diintii] dadkii hore ahayn.”
  3. “Nalamana cadaabayo.”
  4. Wayna beeniyeen, markasaan halaagnay. Taasina waxaa ku sugan calaamad, mana aha badankoodu kuwo rumayn.
  5. Eebbahaana waa adkaade naxariista.
  6. Waxay beenisay Thamuud Rasuulladii.
  7. Markuu ku yidhi walaalkood [Nabi] Saalax, “Miyaydaan dhawrsanayn?”
  8. “Waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah.”
  9. “Ee ka-dhawrsada Eebbe ina adeeca.”
  10. “Idinkamana warsanaayo Xaqa ujuuro, ajrigayga Eebbaha caalamkaan ka sugi.”

 

Markay qawmkii Nabi Huud ka madax-adaygeen Xaqii ooy isugu mid noqotay waano iyo la‘aanteed, diideenna wax u-sheeggii, sheegteenna inaan la cadaabayn yaa Eebbe halaagay, taasina waa abaalka Xaq-diidayaasha. Sidoo kale waxaa Eebbe u-diray Thamuud Nabi Saalax, wuxuuna la maray waddaday la mareen Nabiyadii kale, wuxuu xaalku ku dambeeyeyna wuu imaan, waxaadse mooddaa in gaaladu ceel kaliya ka cabbeen, waa ceelka xumaanta. Ash-Shucaraa’ (136-145)

 

  1. “Ma waxaa laydinkaga tagi halkan idinkoo aamin ah?”
  2. “Oo ku sugan basaatiin iyo ilo [socda]?”
  3. “Iyo beero iyo timir fiiddeedu bisayl tahay?”
  4. “Ood ka qoranaysaan buuraha guryo idinkoo kibirsan?”
  5. “Ee Eebbe ka dhawrsada ina adeeca.”
  6. “Hana adeecina [maqlina] amarka xad-gudbayaasha.”
  7. “Ah kuwa fasaadiya dhulka oon hagaajinayn.”
  8. Waxay dheheen, “Waxaad uun kamid tahay kuwa la sixray.”
  9. “Mana tihid waxaan dad na lamid ah ahayn ee noo keen aayad haddaad run sheegi.”
  10. Wuxuu yidhi, “Tani waa hal, maalin bay cabbi idinkuna maalin baad cabbaysaan la-yaqaan.”
  11. “Ee haku taabanina xumaan, oos idin qabto cadaab maalin wayn.”
  12. Wayse dileen waxayna ahaadeen kuwo qoomameeya.
  13. Waxaana qabtay cadaab taasna waxaa ku sugan calaamad, badankoodna ma aha kuwo rumayn [Xaqa].
  14. Eebbahaana waa adkaade naxariista.

 

Cid ladnaan iyo kibir ku waari ma jirto, qawmkii Nabi Saalaxna markay Xaqii ka madax-adaygeen oo beeniyeen Nabigii oy dileen hashii calaamadda u-ahayd yaa Eebbe halaagay oo ciqaabay, adduunyana waa beer cagaaran oo mar uun ingagi, waxaase habboon in si fiican loogu dhaqmo Xaqa. Ash-Shucaraa’ (146-159)

 

  1. Waxay beeniyeen qawmkii [Nabi] Luud Rasuulladii.
  2. Markuu ku yidhi walaalkood Luud, “Miyeydaan dhawrsanayn?”
  3. “Waxaan idiin ahay Rasuul aaminee.”
  4. “Ee ka dhawrsada Eebbe ina adeeca.”
  5. “Idinkama warsanaayo Xaqa ujuuro, ajrigayga Eebbaha caalamkaan ka sugi.”
  6. “Ma waxaad u-tagaysaan ragga caalamka?”
  7. “Ood ka tagaysaan waxa Eebbe idiin abuuray oo haweenkiinna ah? Waxaadse tihiin kuwo xad-gudba.”
  8. Waxay dheheen. “Haddaadan joogin Luudow waxaad noqon kuwa la bixiyo.”
  9. Wuxuu yidhi [Luud] “Anigu camalkiinna waan la cadhays nahay.”
  10. “Eebbow iga kori iyo ehelkaygaba waxay falayaan.”
  11. Waana korinnay isaga iyo ehelkiisiiba dhammaan.
  12. Habar ku hadhay mooyee [haweeneydiisii].
  13. Markaasaan halaagnay intii kale.
  14. Waxaa kusoo daynay [roob dhagax Naar ah] waxaana u-xun roobka kuwa loo digay.
  15. Taasna waxaa ku sugan calaamad, badankoodna ma aha kuwo rumayn.
  16. Eebbahaana waa adkaade naxariista.

 

Qawmkii Nabi Luud waxay ku caan ahaayeen wax sheegiddiisa laga xishoodo oo ah inay ragga aadi jireen haweenka ka-sokow, waana caado xun oo ciqaab mudata, waxaana loo ciqaabay si daran, cid kasta oo waxyaalahaas oo kale ku kacdana waa cid dullaysan oo wasakhawday, waxayna dharbaaxo ku tahay kuwa buka ee dabaalan waxaas. Ash-Shucaraa’ (160-175)

 

  1. Waxay beeniyeen kayntii ehelkeedii Rasuulladii.
  2. Markuu ku yidhi [Nabi] Shucayb, “Miyeydaan dhawrsanayn?”
  3. “Waxaan idiin ahay Rasuul aamin ee.”
  4. “Ee ka-dhawrsada Eebbe ina adeeca.”
  5. “Idinkama warsanaayo Xaqa ujuuro, ajrigayga Eebbaha caalamkaan ka sugi.”
  6. “Oofiya [dhammaystira] beegidda hana kamid noqonina kuwa nusqaamiya.”
  7. “Una miisaama caddaalad toosan.”
  8. “Hana ka nusqaaminina dadka waxooda hana xumaynina dhulka idinkoo fasaadin.”
  9. “Kana dhawrsada Eebbaha idin abuuray iyo khalqigii horreeyey.”

 

Qawmkii Nabi Shucayb oo dhulka Madyan dagganaa waxay beeniyeen Xaqii, waxayna ku caan-bexeen inay nusqaamiyaan miisaanka iyo suuskaba, dadkana saas uga nusqaamiyaan xaqooda, wuxuuna Nabi Shucayb isku-dayey inuu ka reebo arrintaas, dhulkana ayan fasaadin, wayse ka madax-adaygeen xaalkaas sida ka muuqata aayadaha soo socda. Waxaana dhab ah in cunnada oo dadka lagu khayaamo lagana nusqaamiyo ay tahay arrin xun oo ciqaab iyo halaag mudan, yaase garansiin kuwa ku dhaqma xaalkaas Eebbe mooyee, ciddii caqli lehse waa inay ka joogtaa ka hor maalinta dadku u is-taagi Ilaaha caalamka. Ash-Shucaraa’ (176-184)

 

  1. Waxay dheheen, “Waxaad uun tahay kuwa la sixray.”
  2. “Mana tihid waxaan dad na lamid ah ahayn, waxaana kuu malaynaynaa kuwa beenaalayaasha ah.”
  3. “Ee nagusoo rid goosimo samada kamid ah haddaad run sheegi.”
  4. Wuxuu yidhi, “Eebbahay baa og waxaad falaysaan.”
  5. Wayna beeniyeen, waxaana qabtay cadaab maalintii hadhka, waana cadaab maalin wayn.
  6. Arrintaasna waxaa ku sugan calaamad mana aha badankoodu mid rumayn.
  7. Eebbahaana waa adkaade naxariista.

 

Waxay kuwanna ku jawaabeen jawaabtii kuwii ka horreeyey oo kale, waxayna ku sheegeen sixir, wayna beeniyeen, waxay warsadeen in cirka goosino cadaaba looga soo rido, Eebbase waa ogyahay waxay fali, waxaana qabtay cadaab hadheeyey oo wayn. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Wuxuu Ilaahay kusoo daayey onkod iyo kulayl daran oo ku dhajiyey neefta, markaasay ka bexeen guryaha iyagoo u-carari dibadda, markaasaa Eebbe daruur ka hadhaysa qorraxda kusoo daayey markay kusoo kulmeenna uu Eebbe kusoo daayey naar gubtay.” Ciqaabta Eebbana kama fogo daalimiinta Xaq-diidayaasha ah. Ash-Shucaraa’ (185-191)

 

  1. Qur’aankuna waa soo-dejin Eebbaha caalamka.
  2. Waxaa kulasoo degan Ruux aamin ah [Jibriil].
  3. Qalbigaaga inaad ahaato kuwa ku diga.
  4. Af-Carabi ahoo cad.
  5. Qur’aankuna wuxuu ku sugnaa Kutubtii hore.
  6. Miyeyna calaamad ugu fillayn inuu yaqaanno culimadii banii-Israa‘iil?
  7. Haddaan kusoo dejinno Qur’aankan Cajamiga qaarkiis
  8. Oo uu ku akhriyo korkooda mayna rumeeyeen.
  9. Saasaan u-galinnay diiddada quluubta dambiilayaasha.
  10. Mana rumaynayaan Xaqa intay ka arkaan cadaab daran.
  11. Oos ugu yimaado cadaabku kado iyagoon ogayn.
  12. Oy dhahaan, “Ma nala sugi?”
  13. Ma cadaabkannagay dadajisan?

 

Aayadahan Eebbe wuxuu ku tilmaamay Qur’aanka inuu yahay soo-dejin Eebbe, oo Jibriil usoo dhiibay, kuna soo dejiyey qalbiga Nabiga, luuqadda Carabiga ahna kusoo dejiyey, Kutubihii horana lagu caddeeyey, culimadii banii-Israa‘iilna ay ogaayeen. Dambiilayaashuse ay beeniyeen, ayna saas ahaadaan intay ka arkaan cadaab daran, uguna yimaada kado, iyagoon ogayn oy markaas calaacalaan, yidhaahdaanna, “Maa nala sugo?” Waxayse dedejisanayeen cadaabka. Sufyaan wuxuu yidhi, “Waxyi dhammaantii wuxuu ku dagayey Carabi ee waxaa tarjumayey Nabiyada.” Ash-Shucaraa’ (192-204)

 

  1. Ka warraan haddaan u-raaxayno sanooyin.
  2. Markaas uu u-yimaado wixii loogu gooddinaayey.
  3. Muxuu uga tari xaggooda wixii loogu raaxeeyey?
  4. Magaalo aan halaagno oon loo diginna ma jirto.
  5. Waano darteed, mana nihin daalimiin.
  6. Kumana soo degto Qur’aanka shayaadiintu.
  7. Kumana habboona mana karaan.
  8. Shayaadiintu maqalka waa ka fog yihiin.
  9. Ee ha caabudin [baryin] Eebbe miciisa ilaah kale ood noqoto kuwa la cadaabo.
  10. Una dig qaraabadaada kuu sii dhaw.
  11. Una raarici garabkaaga [u-naxariiso] ciddii ku raacda oo mu‘miniinta ah.
  12. Hadday ku caasiyaanna waxaad dhahdaa, “Anigu bari baan ka ahay waxaad falaysaan.”

 

Raaxo adduunna wax ma tarto markay ciqaabtu timaaddo, waxaa sugnaaday in la keeni Qiyaamada gaalka oo Naarta la tiimbin markaas la dhihi, “Khayr waligaa ma aragtay? Nicmo waligaa ma aragtay?” oo uu dhihi, “Wallaahi maya.” La keenina kii ugu dhibaato badnaa adduunka oo la taabsiin Jannada markaas la dhihi, “Ma aragtay xumaan waligaa?” oos dhihi, “Waligay maya.” Nabiga iyo Qur’aanka Shaydaan umasoo dhawaado, lamana soo degin, waase ka fog yihiin, cibaadana Eebbe kaliyaa muta, Eebbana wuxuu faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu marka hore u-digo qaraabada illeen haddii kale see dadka kale wax u-rumayn? Wuuna yeelay Nabigu sidaas. Tan kale wuxuu Eebbe faray inuu u-naxariisto mu‘miniinta Islaamkuna waa Diin isu-naxariisasho. Ash-Shucaraa’ (205-216)

 

  1. Talo-saaro Eebbaha adkaada ee naxariista.
  2. Ee ku-arka markaad kici.
  3. Iyo la-gadgaddoonkaaga kuwa tukan.
  4. Eebbana waa maqle og.
  5. Ma idiinka warramaa ruuxay kusoo degi shayaadiintu?
  6. Waxay kusoo degi beenaale dambi badan oo dhan.
  7. Waxayna xadi maqalka, badankoodna waa beenaalayaal.
  8. Gabayaana waxaa raaca kuwa baadida ah.
  9. Miyaadan arkin in iyagu tog kasta [xumaan] ay ku dhex wareersan yihiin?
  10. Oyna sheegi waxayna falayn?
  11. Kuwa Xaqa rumeeyey mooyee oo camal fiican fala oo xusa Eebbe wax badan, oo gargaarta dulmi kadib, waxayna ogaan doonaan kuwii dulmi falay soo-noqoshaday soo noqdaan [Qiyaamada].

 

Waa in la talo-saarto Eebbaha adkaada ee naxariista, ee ku arka markaad is-taagi iyo gadgaddoonkaaga kuwa tukan ee maqli ee og. Shaydaanna wuxuu kusoo degaa been-badane dambi badan, heesta iyo gabayga oo waqtiga kaa dhumiyana waa caayan yihiin, waxaana raaca heesaaga kuwa iska baadida ah, waxaana kamid ah caadada heesaaga iyo gabayaaga inay ku wareeraan oo dhex-galaan wax kasta, ooy sheegaanna waxayna falin, marka iaga reebo kuwa Xaqa rumeeyey ee wanaagga fala oo gargaarta intii la dulmiyey, daalimna wuxuu ogaan markuu Eebbe u-noqdo, gabayguna markuu bato oo wax walba la sheego, oon runta laga sheegin, oo lagu caayo cidaan mudan, laguna amaano cidaan mudan waa aafo iyo balaayo ruuxa ka buuxda Islaamkuna ma oggola, siduu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) u yidhi, “In laabta midkiin malaxu dhaamiso yaa ka khayr-roon inuu gabay ka buuxsamo.” Imaam Axmed. Hadduuse yahay mid Xaqa loogu hiilin, wanaaggana fari, xumaantana reebi kaasi ma cayna mana xuma. Ash-Shucaraa’ (217-227)

***

Suurat An-Naml

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Daa. Siin. [Xarafka hore isagoo kale waan soo maray inuu ku tusin mucjizada Qur’aanka.] Taasi waa aayaadka Qur’aanka iyo Kitaabka cad.
  2. Waana hanuunka iyo bishaarada mu’miniinta.
  3. Ee ah kuwa ooga salaadda oo guta zakada oo Aakhiro yaqiinin.
  4. Kuwaanse rumayn Aakhiro waxaan u-qurxinnay camalkooda waana ku indho-la‘ yihiin [wareersan yihiin].
  5. Kuwaasi waa kuwuu u-sugnaaday cadaab xun Aakharana iyaga un baa khasaaray.
  6. Adiguna Nabiyow waxaad kala kulmi Qur’aanka Ilaaha falka san ee og agtiisa.

 

Suuraddu waxay ka warrami in Qur’aanka kariimka ah hanuun iyo bishaaro u-yahay mu‘miniinta Xaqa rumaysan ee salaadda si fiican u-guta, zakadana bixiya, Aakharana yaqiinsan, kuwaanse rumaynin Aakharo waxaa loo qurxiyey camalkooda xun oyna ku dhex wareersan yihiin, waana kuwa cadaab xun u-sugnaaday oo khasaaray Aakharo illeen wey beeniyeene. Dhabtuna waa in Qur’aanku kasoo degay Ilaaha Xakiimka ah ee wax walba og xaggiisa, warkiisuna waa run cad. Xukunkiisuna waa caddaalad dhammaystiran. Waxaase loo baahan yahay rumayn, ku-dhaqan, ugu-yeedhid iyo dhawrid. An-Naml

 

  1. Xusuuso markuu ku yidhi [Nabi] Muuse ehelkiisa, “Anugu waxaan arkaa iftiin waxaan idiinka keeni xaggiisa war ama waxaan idiinka keeni dhuxul dab ah inaad kulaashaan.”
  2. Markuu yimid waxaa loogu dhawaaqay, “Waa la barakeeyey cidda dabka la joogta iyo kuwa gaararkiisa ah, waxaana nazahan Ilaaha caalamka.”
  3. “Muusow anugu waxaan ahay Ilaaha adkaada ee falka san.”
  4. “Ee tuur ushaada,” markuu arkay iyadoo gilgilan sida maska wuu jeedsaday isagoo carari, mana soo noqon, “Muusow ha cabsanin, kuma cabsadaan agtayda Rasuulladuye.”
  5. “Ciddiise dulmi fasha markaas wanaag ku baddasha xumaan kadib anugu waxaan ahay dambi-dhaafe naxariista.”

 

Qisada Nabi Muuse iyo sida Ilaaheen ula hadlay meelo badan yaa lagu sheegay, waxayna ku tusin in Ilaahay cidduu doono oo Rasuulladiisii kamid ahaa la hadli jiray. Tan kale waxay ku tusin in Nabiyada ceeb ku ahayn cabsida caadiga ah, wax sharaftooda wax u-dhimana ayna ahayn. Tan kale waxay ku tusin awoodda Eebbe iyo inuu wuxuu doono fali karo. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ilaahay ma seexdo kumana habboona (waa ka dheer yahay) inuu seexdo, wuxuu hoos u-dhigaa ama kor-yeelo (qaybta) waxaa u kor-noqda xaggiisa camalka habeenka maalinta kahor, iyo kan maalinta habeenka kahor.” Waxaa wariyey Ibnu Abii Xaatim. An-Naml (7-11)

 

  1. “Gali gacantaada jeebkaaga waxay soo bixi iyadoo cad xumaan-la‘aan, [waxayna kamid yihiin] sagaal calaamo oo Fircoon iyo qawmkiisa loo muujiyey, waxayna ahaayeen qawm faasiqiin ah.
  2. Markay u-timid calaamaddannadii iyadoo cad waxay dheheen, “Kani waa sixir cad.”
  3. Wayna diideen iyagooy yaqiinsatay naftoodu dulmi iyo isla-sarreyn darteed, ee day siday ahaatay cidhibtii mufsidiinta [xumo-wadayaasha].

 

Mucjizooyinka iyo calaamadaha la siiyey Nabi Muuse waxay ahaayeen sagaal oy kamid ahaayeen usha iyo gacantu siday suurad kale sheegtay, si Fircoon iyo qawmkiisa falka xumaa loogu wax tuso, wayse beeniyeen Xaqii iyagoo hoosta ka og runta, si ay madaxnimada iyo isla-waynida ugu mintidaan, maxaase ka dambeeyey oon halaag iyo khasaare ahayn, wax badanna waxaa lasoo sheegay in dad badan ay diideen Xaqa iyagoo garan ilaalin iyo dhawrid maslaxo gaar ah, taasoo ah madaxtinimo, xoolo, iyo isla-wayni micno-darro. Ciddii caqli lehna waa xaal ay waajib tahay inuu ku waano-qaato. An-Naml (12-14)

 

  1. Waxaan siinnay Daawuud iyo Sulaymaan cilmi, waxayna dheheen, “Mahad Ilaah baa iska leh ee ah kan naga faddilay wax badan oo addoomadiisa mu‘miniinta ah.”
  2. Wuxuuna dhaxlay Sulaymaan Daawuud, wuxuuna yidhi, “Dadow waxaa nala baray codka shimbiraha, waxaana nala siiyey wax kasta [oo xukun ah] kaasina waa fadliga cad.”
  3. Waxaa loo kulmiyey Sulaymaan junuuddiisii oo jinni, insi iyo shimbiro leh, iyagoo is-celcelin.
  4. Markay yimaadeen toggii qudhaanjadana oy tidhi qudhaanjo, “Qudhaanjooy gala guryihiinna yeyna idin jajabin Sulaymaan iyo junuuddiisu iyagoo idin ogayn.”
  5. Markaasuu muusooday isagoo ku qosli hadalkeeda wuxuuna yidhi, “Eebbow i waafaji inaan ku mahdiyo nicmaddaad ugu nicmaysay ani iyo waalidkay iyo inaan falo wanaag aad ka raalli tahay ina gali naxariistaada addoomadaada suubban dhexdooda.”

 

Wuxuu Eebbe sheegi wuxuu ugu nicmeeyey Nabi Daawuud iyo wiilkiisii Nabi Sulaymaan oo nicmooyin ah adduun iyo Aakhiroba, iyo in Nabi Sulaymaan loo sakhiray jinni, insi iyo shimbirahaba, barayna hadalka shimbiraha intuu ka kaso afkooda, sidoo kale codka qudhaanjadii uga digtay saaxiibbadeed jajabinta Nabi Sulaymaan iyo colkiisoon ogayn. Uuna qoslay kuna mahdiyey Eebbe, warsadayna wanaag isaga iyo waalidiintiis, waana kaas wanaaggu in marka Eebbe khayr ku siiyo mahadiyo, wanaagna la falo, xumaanta iyo kibirkana layska jiro oo laga fogaado. An-Naml (15-19)

 

  1. Wuxuu fiirfiiriyey shimbirihii [Sulaymaan] wuxuuna yidhi, “Maxaan la arki la‘ahay hud-hudkii mise kuwa maqan buu kamid yahay?”
  2. “Waxaan cadaabi cadaab daran ama waan gawrici ama wuxuu ii keeni xujo cad.”
  3. Markaasuu muddo yar maqnaa markaasu yidhi [markuu yimid] “Waxaan ogaaday waxaadan ogaanin, waxaana kaaga keenay reer Saba war yaqiin ah.”
  4. “Waxaan helay haweeney xukumaysa lana siiyey wax kasta [oo xukun ah] waxayna leedahay carshi wayn.”
  5. “Waxaan helay iyada iyo qawmkeedii oo u-sujuudi qorraxda Eebbe ka-sokow wuxuuna u-qurxiyey Shaydaan camalkooda wuxuuna ka leexiyey jidka, mana hanuunsana.”
  6. “May u-sujuudaan Ilaaha soo bixiya waxa ku qarsoon samooyinka iyo dhulka oo og waxaad qarinaysaan iyo waxaad muujinaysaan?”
  7. “Ilaahay Isaga mooye ilaah kale [xaq lagu caabudo] ma jiro, waana Eebbaha Carshiga wayn.”

 

Awoodda Eebbaa iska leh, ha siiyo Nabi Sulaymaan xukun laakiin waxaa ka qarsoomi kara wax xayawaan yari ogaan karo sida hud-hudka, kaasoo uga warramay reer Saba iyo xukunkooda iyo waxay caabudaan, taasina la-yaab ma laha mar hadday wax walba ku xidhan yihiin awoodda Eebbaha wax walba koobay, ee Isaga uun Ilaah ah, ee Carshiga wayn leh, Shaydaan baase dad dhumiyey oo u harag-lulay oo xumaanta u-qurxiyey, waana colka dadka oon marna ka nasanayn dhumintooda. Tan kale waxay ku tusin wanaagga makhluuqa qaarkiis sida hud-hudkaas Eebbe iyo cibaadadiisa u-yeedhay, saas darteed yuu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) u-reebay dilidda qudhaanjada, shimbiraha, hud-hudka iyo suradka. Waxaa wariyey Imaam Axmed. An-Naml (20-26)

 

  1. Wuxuuna yidhi, “Waannu eegi inaad run sheegi iyo inaad kamid tahay beenaalayaasha.”
  2. “La-tag warqaddaaydan kuna tuur xaggooda kana durug xaggooda, markaas fiiri waxay soo celiyaan.”
  3. Waxayna tidhi, “Madaxeey waxaa la ii soo tuuray warqad sharaf leh.”
  4. “[Kuna qoran] ‘Waxay ka timid Sulaymaan waxayna ku billaabatay magaca Eebbaha naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.’”
  5. “Ee hayska kay waynaynina iina imaada idinkoo Muslimiin ah.”
  6. Waxayna tidhi, “Madaxeey ii ishaara amarkayga ma ihi mid goysa amar intaad ka joogtaan.”
  7. Waxayna dheheen, “Annagu waxaan nahay kuwo xoog badan oo geesinimo badan, amarkase adaa leh ee fiiri waxaad fari.”
  8. Waxay tidhi, “Xaakimyadu hadday magaalo ku galaan [xoog] way fasaadiyaan waxayna ka yeelaan ehelkeeda sharafta leh kuwo dullaysan saasayna falaan.”
  9. “Waxaanse u-diri hadyad waxaana eegi waxay lasoo noqdaan kuwa la diray.”

 

Markay u-tagtay warqadduu waday hud-hud oo faraysay Islaamnimo, yey la tashatay haweenaydii madaxdeedii, markayse is-muujiyeen inay xoog leeyihiin yey iyadu usoo jeedisay dagaal-la‘aan inay hadyad u-dirto eegtana jawaabta, waxayna ahayd haweenay caqli badan oo waayo-arag ah. Qataade wuxuu yidhi, “Yaa ka caqli badan Islaamnimadeedii iyo gaalnimadeediiba?” Maxayse tari isla-wayni iyo kibir iyo dagaal-jacayl? Waxba. Waxaase fiican kaadsiinyo, Xaq-raacid iyo Islaamnimo iyo in Xaqa loo yeedho had iyo jeer. An-Naml (27-35)

 

  1. Markay soo gaadhay hadyaddii [Nabi] Sulaymaan yuu yidhi, “Ma waxaad ii kordhinaysaa xoolo? Wuxuu i siiyey Eebbe yaa ka khayr-roon wuxuu idin siiyey, idinkaase ku farxi hadyadiinna.”
  2. “Ee u-celi, waxaana ula imaanaynaa junuud [col] ayna awoodayn, waxaana ka bixinaynaa magaalada iyagoo dullaysan oo ihaanaysan.”
  3. Wuxuuna yidhi, “Qawmow, yaa ii keena carshigeeda [kursigeeda] kahor imaatinkooda iyagoo Muslim ah?”
  4. Wuxuuna yidhi mid xoog badan oo jin ah, “Anaa kuu keeni intaadan ka kicin fadhigaada, waxaana ahay xoog-badane aamin ah.”
  5. Wuxuuse yidhi kay agtiisa ahayd ogaanshaha Kitaabka, “Anaa kuu keeni ishaada laabiddeeda horteed [il-bidhiqsi],” markuu ku arkay agtiisa isagoo ku sugan wuxuu yidhi, “Kani waa fadliga Eebbahay inuu imtixaamo inaan ku mahdiyo iyo inaan ka gaaloobo, ciddii ku mahadisa wuxuu uun u-mahdiyey naftiisa ciddii gaalowdana Eebbahay waa ka kaaftoon yahay waana sharaf badan yahay.”

 

Wuu diiday Nabi Sulaymaan hadyadii, wuxuuna ugu gooddiyey inuu ku duulo, wuxuuna ka codsaday colkiisa in loo keeno kursigeedii kahor imaatinkeeda iyadoo Muslim ah, mid xoog badanaa yaana yaboohay inuu keeno intuusan fadhiga ka kicin, waxaase ka dhakhso badnaaday kan ku keeni il-bidhiqsi, markii loo keenay kursigana wuxuu ku mahadiyey Eebbe, uuna yaqiinsaday inay imtixaan tahay inuu ku mahadiyo iyo in kale, waana taas akhlaaqda dadka wanaagsan oo ah inay ogyihiin in nicmadu imtixaan tahay in la mahadiyo iyo in kale, oyna ahayn faan, isla-wayni iyo durbaan-tun. Mahadda Ilaahay iyo ku-xidhnaantiisana waa hubka mu‘miniinta. Diiddada iyo isla-waynidana waa caadada gaalada. An-Naml (36-40)

 

  1. Wuxuuna yidhi, “Dooriya kursigeeda inay garato iyo inay noqoto cidaan garanayn.”
  2. Markay timid waxaa lagu yidhi, “Ma sidanaa kursigaagu?” Waxayna tidhi, “Waxaad mooddaa isagii.” [Wuxuuna yidhi] “Waxaa nala siiyey horteed cilmi waxaana nahay Muslimiin.”
  3. Waxaana [Xaqa] ka reebay waxay caabudaysay oo Eebbe kasoo hadhay, waxayna kamid ahayd qawm gaala ah.
  4. Waxaa lagu yidhi, “Gal daarta,” markay aragtayna waxay u-malaysay mawjad [biya ah] waxayna ka faydatay dhudhumadeeda, wuxuuna ku yidhi, “Waa daar salaax sugan oo quruurado ah.” Waxayna tidhi, “Eebbow anigu waxaan dulmiyey naftayda, waxaana u-islaamay la-jirka Sulaymaan Ilaahay dartiis ee Eebbaha caalamka ah.”

 

Markii loo keenay kursigeedii yuu faray Nabi Sulaymaan in la dooriyo tilmaamihiisa qaarkood inuu imtixaamo inay garato keedii inuu yahay iyo in kale, markayse timid oo la warsaday inuu keedii yahay waxay sheegtay in isagii la moodo, waxaana Xaqa u-diiddanaa waxay caabudaysay ee Ilaahay kasoo hadhay, oy kuna dhex-noolayd qawm gaalo ah, markii lasoo dhaweeyey oy aragtay daar lala yaabo iyo xukunka Eebbe siiyey Nabi Sulaymaan yey qirtay Islaamka ooy u-hoggaansantay Ilaaha caalamka. Taasina waxay ku tusin in madaxda Muslimiinta laga rabo inay dadka Xaqa ugu yeedhaan siduu falay Nabi Sulaymaan, oos fali jiray Nabigeennii Muxammad ahaa (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) sidoo kale waxaa loo baahan yahay in Xaqa la raaco si kastoos yahay iyo hawl kastoos hayo, iyo wax kastoos yahay, illeen Xaqaa horreeyey, mudanna in la raaco, oo la rumeeyo. An-Naml (41-44)

 

  1. Waxaan u-dirray reer Thamuud walaalkood Saalax inay Eebbe caabudaan, markaasay soo bexeen iyagoo labo kooxood ah oo doodi.
  2. Wuxuuna yidhi, “Qawmkayow maxaad u-dedejisanaysaan xumaan wanaag ka hor? Maadse dambi-dhaaf warsataan Eebbe inuu idiin naxariisto.”
  3. Waxayna dheheen, “Waan ku baasaysannay adiga iyo inta kula jirta,” wuxuuna ku yidhi, “Baaskiinnu wuxuu jiraa Eebbe agtiisa, waxaadse tihiin qawm la fidneeyey.”
  4. Waxaana magaalada ku sugnaa sagaal qof oo fasaadin dhulka hagaajinayna.
  5. Waxayna dheheen, “Isku-dhaarta Eebbe inaan mirro isaga iyo ehelkiisaba markaas aan ku dhahno qaraabadiisa, ‘Maanaan joogin meeshuu ku halaagmay ehelkiisu, waxaana sheegaynaa run.’”

 

Qisada reer Thamuud wax badan buu Qur’aanku ka warramay waxayse aayadahani sheegeen inay qaybsameen, sharaysteenna Nabigii iyo intii la jirtay, oyna magaaladaas ku noolaayeen sagaal qof oo qasayaal dhagarta iyo xumaanta maleega, waxayna isku dhaarsadeen inay dilaan Saalax iyo ehelkiisa goor habeen ah uguna dhaartaan dadkiisa inay joogin meeshii lagu dilay. Taasina waxay ku tusin dhibaatada iyo balaayada inay u-horseedaan had iyo jeer, oyna waajib tahay in laga digtoonaado xumaan-wadayaasha. Maxayse ku dambeeyeen? Waa waxay aayadaha soo socda inooga warrami. An-Naml (45-49)

 

  1. Way dhagreen dhagar anana waan abaal-marinnay iyagoon ogayn.
  2. Ee day siday noqotay cidhibtii dhagartooda, Annagaa halaagnay iyagii iyo qawmkoodiiba dhammaan.
  3. Taasina waa guryahoodii oo cidla ah dulmigoodii dartiis, arrintaasna calaamad yaa ugu sugan qawmkii wax ogaan.
  4. Waxaana korinnay kuwii rumeeyey oo dhawrsanayey.

 

Xumaan bay ka shaqeeyeen wayna la rogmatay oo waxaa ku dhacay halaag iyo khasaare, waxaana cidloobay guryahoodii dulmigoodii dartiis, waana arrin ay ku waano- iyo wacdi-qaadato ciddii wax kasi, waxaana la koriyey Saalax iyo qawmkiisii Xaqa ku taagnaa, taasina waa sunnada iyo caadada Eebbe inuu halaago daalimiinta, koriyana mu‘miniinta, laga yaabaa in dulmigu muddo joogo laakiin ma waaro. Saas darteed yey waajib tahay in lagu waano-qaato qisooyinka Qur’aanka ee lasoo celceliyey wax badan. An-Naml (50-53)

 

  1. [Nabi] Luud [xusuuso] markuu ku yidhi qawmkiisii, “Ma waxaad la imanaysaan xumaan idinkoo arko?”
  2. “Idinku ma raggaad u-tagaysaan doonid darteed haweenka ka-sokow? Waxaadse tihiin qawm jaahiliin ah.”
  3. Mana noqonin jawaabtii qawmkiisa waxaan ahayn, “Ka bixiya Luud iyo ehelkiisa magaaladiinna waa dad is-daahirine.”
  4. Waana korinnay isagii iyo ehelkiisii haweenaydiisii mooyee, waxaan ku qaddarray [ka dhignay] kuwa halaagsami.
  5. Waxaana kusoo daadinnay korkooda roob [dhagax Naar ah] waxaana xumaaday roobka kuwa loo digay.

 

Qawmkii Nabi Luud waxay ku magaca bixiyeen inay ragga wax ka dayan jireen intay haween guursan lahaayeen, taasina waa arrin ceeb ku ah banii-Aadamka, kuna tusin jaahilnimo iyo fasaad intay ka eryaan Nabi Luud iyo intii rumaysay iyagoo ku caayi inay nadiif yihiin, waxaase la-yaab ah inay nadiifi ceeb ku ahayd qawmkaa agtooda kuna tahay had iyo jeer kuwa xun xun, Eebbese waa koriyey Luud iyo mu‘miniinta, oo halaagay gaaladii oo haweeneydiisii ku jirto, waana wax lagu waano-qaato. An-Naml (54-58)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Mahad Eebbaa iska leh nabadgalyana ha ahaato addoomadiis uu doortay korkooda. Ma Eebbaa khayr-roon mise waxay la wadaajin?”
  2. Ma Eebbaha abuuray samooyinka iyo dhulka oo idiinka soo dejiyey samada biyo oon kusoo bixinnay beero qurux badan [miyaa khayr-roon mise waxaad caabudaysaan]? Ma kari kartaan inaad soo bixisaan geedkeeda, ma ilaah kalaa jira Eebbe miciis? Waase qawm [Xaqa] ka leexaan.
  3. Mise [waxaa khayr-roon] Eebbaha ka yeelay dhulka sugnaan, oo u-yeelay wabiyo iyo buuro, oo u-yeelay badaha dhexdooda soohdin, ma ilaah kalaa jira Eebbe miciisa? Badankooduse wax ma oga.

 

Wuxuu Eebbe faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu yidhaahdo, “Mahad Eebbaa iska leh, nabadgalyona ha ahaato addoomada Eebbe doortay korkooda,” taasoo ah inay xumaan iyo qas ka nabadgalaan. Tan kale waxaa wanaag badan Eebbaha abuuray cirka iyo dhulka oo roobka keena kuna soo bixiya doog iyo beero aan cid kale soo bixin karin, oo dhulka ka yeelay meel lagu sugnaado, yeelayna dhexdiisa wabiyo iyo buuro, badahana kala dhawra, isagaana ah Ilaaha Xaqa, wax lamid ah ama mudan in lala caabudana ma jiro, wuxuuna mudan yahay waynayn iyo caabudid. An-Naml (59-61)

 

  1. Mise Eebbaha aqbala ka dhibban markuu baryo oo fayda xumaanta [dhibka] idinkana yeeli kuwa dhulka u-hadhi [iska baddala], ma ilaah kalaa jira Eebbe miciisa? Yaraa intaad wax xusuusanaysaan.
  2. Mise Eebbaha idin toosiya mugdiyada barriga [dhulka] iyo badda dhexdeeda, oo ah kan dira dabaylaha oo bishaarayn naxariista Eebbe [roobka] hortiisa, ma ilaah kalaa jira Eebbe miciisa? Eebbaa ka sarreeya waxay la wadaajin.
  3. Mise Eebbaha billaaba khalqiga [abuurkiisa] haddana soo celin, oo ah kan idinka arzaaqa samada iyo dhulkaba, ma ilaah [kalaa] jira Eebbe miciisa? Waxaad dhahdaa, “Keena xujadiinna haddaad run sheegaysaan.”

 

Ilaahay baa ajiiba kan dhibban dadkana kala-baddala in la xusana mudan, sidoo kale isagaa toosiya mugdiyada mudanna inaan cid kale lala caabudin, billaabana abuuridda, soona celiya dadka, arzaaqana dadka. Nabigana (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi markii la warsaday “Maxaad u-yeedhi?” “Waxaan u-yeedhi Eebbaha hadduu ku taabto dhib ood barido kaa fayda, kan baadida kuusoo celiya, kan abaartu markay ku hesho kaa bixiya.” Waxaa wariyey Imaam Axmed. Saasay xaq u-tahay in lagu dhaqmo sharcigiisa, loona hoggaansamo. An-Naml (62-64)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Ma oga waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan waxa maqan Eebbe mooyee, mana oga goorta lasoo bixin.”
  2. Wuxuuse gaadhay cilmigoodu Aakhiro [buuxsami] waxayse kaga sugan yihiin xaggeeda shaki, wayna ka indho-la‘ yihiin xaggeeda.
  3. Waxay dheheen kuwii gaaloobay, “Markaan noqonno carro anaga iyo aabbayaalkanno miyaa nala soo bixin?”
  4. “Waana loo yaboohay kan [soo-bixinta] anaga iyo aabbayaalkanno mar hore, kanna ma aha waxaan warkii dadkii hore ahayn.”
  5. Waxaad dhahdaa, “Ku socda dhulka oo daya siday noqotay cidhibtii dambiilayaasha.”
  6. Hana u-murgin korkooda, hana ka cidhiidhyamin waxay dhagri.

 

Wax maqan cid og oon Eebbe ahayn ma jiro, mar dadka lasoo bixin cid og oon Ilaahay ahayna ma jiro, maxayse tari wax-ogaan marka Aakhiro la tago, adduunkay ku wanaagsan tahay inaad Xaqa ogaatid, oodan ka indho-la‘aan. Diididda soo-bixinta, xaqiridda Xaqa iyo cidda u-yeedhina waa caadada gaalada Xaq-diidayaasha ah, hase socdeen dhulka oo haku waano-qaateen siday noqotay cidhibtii dambiilayaasha. Waxaana Eebbe faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuusan ka murugoonin cidhiidhina is-galinin, taasina waxay waano guud u-tahay iyo wax-ku-qaadasho kuwa Xaqa u-yeedha goor kasta. An-Naml (65-70)

 

  1. Waxayna odhan, “Waa goorma yaboohaasi haddaad run sheegaysaan?”
  2. Waxaad dhahdaa, “Waxaa suurowda inay dhawdahay waxaad dedejisanaysaan qaarkeed.”
  3. Eebbahaana waa fadli-siiyaha dadka, laakiin badankoodu kuma mahdiyaan.
  4. Eebbahaana wuxuu ogyahay waxay qarin laabahoodu iyo waxay muujin.
  5. Waxa ku maqan samada iyo dhulkana waxay ku sugan yihiin kitaab cad.
  6. Qur’aankanna wuxuu ka qisoon [warrami] banii-Israa‘iil wixii badnaa ay isku-khilaafeen.
  7. Qur’aankuna waa hanuun iyo naxariista mu‘miniinta.
  8. Eebbahaana wuxuu ku kala-xukumi dhexdooda xukunkiisa waa adkaade og.

 

Gaaladu had iyo jeer waxay dedejistaan ciqaabta iyo Qiyaamada, wax kastase waxay leeyihiin waqti iyo muddo, Eebbana waa u-nicmeeyaha dadka laakiin badankoodu kuma mahdiyaan, waana ogaha waxa laabta ku jira iyo waxa la muujinba. Cirka iyo dhulka waxa ku maqanna waxay ku sugan yihiin kitaab cad oo koobay. Qur’aankuna wax badan yuu ka warramay siday isu khilaafeen banii-Israa‘iil, waana hanuunka iyo naxariista mu‘miniinta, Eebbaana kala-xukumi dadka xukun caadil ah, isagoon wax la awood ahna jirin, wax kastana og. Oyna waajib tahay in loo noqdo, loo hoggaansamo, dhabna loo caabudo. An-Naml (71-78)

 

  1. Ee talo-saaro Eebbe adugu waxaad ku sugan tahay Xaq cad ee.
  2. Adugu wax ma maqashiisid kuwa dhintay mana maqashiisid dhagoolaha dhawaaq markay jeedsadaan iyagoo sii socda.
  3. Mana tihid mid ka toosin kara indhoolaha baadidiisa, waxna ma maqashiin kartid ruux rumeeyey aayaadkannaga oo Muslim ah mooyee.
  4. Markuu ku dhaco korkooda qawlkii [ciqaabtii] waxaan usoo bixinnaa daabaddii dhulka oo la hadli, dadkuna waxay ahaayeen kuwaan yaqiinsanayn aayaadkannaga.
  5. Xusuuso maalintaan kasoo kulminayno ummad kasta koox kamid ah kuwii beeniyey aayadkannaga iyagoo is-cidhiidhiyi.
  6. Markay yimaadaanna wuxuu ku dhahaa, “Miyaad beeniseen aayaadkaygii idinkoon koobin ogaansho? Maxaadse fali jirteen?”
  7. Waxaa ku dhacay qawlkii [ciqaabtii] dulmigooda dartiis mana hadlayaan.
  8. Miyeyna arkayn inaan uga yeellay habeenka inay ku xasilaan, maalintana arag? Arrintaasna calaamooyin yaa ugu sugan ciddi rumayn [Xaqa].

 

Waana inay Ilaahay talo-saarato cidda Xaqa ku toosan oo ah inay waxa la faray falaan, kadibna Eebbe ku kalsoonaadaan, cid Xaqa ka dhaga-la‘na oo ka indho-la‘na ruux hanuunin kara oo Ilaahay ahayn ma jiro. Markay Qiyaamadu imaanna waxaa soo bixi daabad la hadli dadka, waxaa loosoo kulmin ummad kasta kooxihii beenin jiray Xaqa, laguna canaanan inay Xaqa beeniyeen iyagoon koobin cilmigiisa, waxaana ku dhici ciqaab dulmigooda dartiis. Habeenka iyo maalintana waano ugu filan ciddii rumeyn. Qiyaamadana waxaa ka horreeya toban calaamo sida sugan. An-Naml (79-86)

 

  1. Xusuuso maalinta la afuufi suurka oos argaggixi waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka cidduu Eebbe doono mooyee, dhammaanna way u-imaan Eebbe iyagoo dullaysan.
  2. Waxaadna arkaysaa buurihii ood u-malayn inay ingagan tahay [sugan tahay] iyadoo u-socota sida daruuraha, waase sancada Eebbaha sugay wax kasta, Eebbana waa ogaha waxaad falaysaan.
  3. Ciddii la timaadda wanaag wuxuu mudan wax ka khayr-roon, argaggaxa maalintaasna iyagu way aamin noqon.
  4. Ciddiise la timaadda xumaan waxaa loogu tuuri wajiga Naarta, miyaa laydinka abaal-mariyaa waxaad falayseen mooyee?

 

Eebbe wuxuu ka warrami in suurka la afuufi oos dhiman ruux kasta waxa Eebbe reebo mooyee, doorsoon badanna dhici, sida buuraha, dhulka, iyo dadkuba, Ilaaheense waa kan sugay abuurka wax kasta, wax walbana og, wanaaggana wanaag ku abaal-mariya iyo wax kasii fiican, xumaantana Naar ku abaal-mariya isagoon dulmiyeyn, Qiyaamaduna waa maalin wayn oo Qur’aanku wax badan ka digay, oyna habboon tahay in loo darbado, loona shaqaysto, kaasoo ah wanaag-falid, xumaan ka-fogaansho iyo Xaq-raacid, waana maalinta carruurta cirroole ka yeeli, cidna kale wax u-tarayn, in Eebbe doono mooyee. An-Naml (87-90)

 

  1. “Waxaa uun lay faray inaan caabudo Eebbaha baladkan [Makka] ee ah kan xarrimay oo wax kastana iska leh, waxaana lay faray inaan kamid ahaado Muslimiinta.”
  2. “Iyo inaan akhriyo Qur’aanka, ruuxiise hanuuna wuxuu uun u-hanuunay naftiisa, ruuxiise dhuma waxaad dhahdaa, ‘Anugu waxaan uun ahay kuwa diga.’”
  3. Waxaadna dhahdaa, “Mahad Eebbaa iska leh, wuxuu idin tusin aayaadkiisa oo aqoonsanaysaan, mana aha Eebbaha mid halmaansan waxaad falaysaan.”

 

Eebbe wuxuu faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu caabudo Ilaaha magaalada barakaysan ee Makka, ee xurmeeyey, iyo inuu u-hoggaansamo, Qur’aankana akhriyo, illeen ciddii hanuunta wuxuu uun wax u-taray naftiisa, tii dhuntana waxay uun dhibtay nafteeda. Nabigana waxaa uun saaran u-digid iyo gaadhsiin Xaqa, mahadna Eebbaa iska leh, dadkana tusin doona aayaadkiisa si ay xujadu u-qabato, wax uu ka halmaansan yahay waxay falina ma jirto, magaalo walba Eebbaa iska leh ee waxaa Makka loo sheegay sharafteeda. Waxaana sugnaatay in la reebay goynta geedaheeda, dilidda ugaadheeda iyo qaadidda baadideeda, cidaan yaahdinayn. Si kastood tahayna Eebbe waa ku ogyahay. Cumar binu Cabdicaziiz wuxuu yidhi, “Eebbe ma halmaamo xataa boodhka dabayshu ku kiciso gomadaha dadka.” An-Naml (91-93)

 

Suurat al-Qasas

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Wuxuu ku tusin mucjisada Qur’aanka.
  2. Taasina waa aayaadka Kitaabka [Qur’aanka] ee cad.
  3. Waxaannu kugu akhrin korkaaga warkii [Nabi] Muuse iyo Fircoon si xaq ah qawmkii rumayn.
  4. Fircoon wuu isku-kibriyey dhulka [Masar] wuxuuna ka yeelay ehelkiisii kooxo, isagoo yaraysan [dullayn] koox kamid ah gawricina wiilashooda oo dayn haweenkooda, wuxuuna kamid ahaa kuwa wax fasaadiya.
  5. Waxaanu u-dooni inaan ku mannaysanno [wax siinno] kuwii lagu dullaysanayay dhulka kana yeello imaamyo, kana yeello kuwa dhaxli dhulka.
  6. Oon makansiinno dhulka, tusinana Fircoon iyo Haamaan iyo januuddooda waxay ka digtoonaayeen [halaaggooda].

 

Suuraddan waxay si gooni ah uga warrantay wixii dhex-maray Nabi Muuse iyo daalimkii Fircoon ahaa, ee isku-kibriyey kalana qaybiyey dadkii, wiilashana laayey gabdhahana shaqo u-reebtay, hase yeeshee wuxuu Eebbe qaddaray in kuwii la dullaysan jiray oo Xaqa rumeeyey ay dhulka u-hadhaan, madaxna noqdaan, Fircoon iyo gacan-yarihiisii u dhaga-nuglaa ee Haamaan iyo colkiisiina la tusiyo waxay ka cabsanayeen oo ah in xukunka laga qaado. Qudrada Eebbe iyo awooddiisa iyo wuxuu xukumana wax qiyaasi ama ogaan ma jiro. Al-Qasas (1-6)

 

  1. Waxaan u-waxyoonnay [ku ilhaaminnay] Muuse hooyadiis “Nuuji, markaad u-cabsatana ku tuur hirka [badda] hana cabsan hana murugoon annagaa kugu soo celine, kana yeeli kuwa la diro [Rasuul].”
  2. Waxaana qaatay Fircoon dadkiisii isagoo u-noqon doona col iyo walbahaar, Fircoon iyo Haamaan iyo colkoodiina waxay ahaayeen kuwo gafay.
  3. Waxayna tidhi haweenaydii Fircoon, “Waa raaxada ishayda iyo taada ee ha dilina, waxay u dhawdahay inuu ina anfaco ama aan ka yeelanno wiile,” mana oga iyagu [dhabta].

 

Waa la dhalay Nabi Muuse, hooyadiina way u-cabsatay, waxaana Eebbe ku ilhaameeyey inay badda ku tuurto isagoo weel ku jira, wuxuuna Ilaahay ku tuuray qalbigeeda inayan cabsanin, murginna, maxaa yeelay wuu kusoo celin, kana yeeli Rasuul, waxaase helay Fircoon colkiisii isagoo ku noqon doona naxdin iyo col, haweenaydii Fircoon markay aragtay yey ku tidhi Fircoon, “Ha dilina waa nuurka iyo raaxada indhaheennee waxayna u dhawdahay inuu ina anfaco ama aan wiil ka dhigannee,” mana oga wuxuu xaalku ku dambayn. Waxaa la sheegay in Fircoon yidhi, “Aduu kuu yahay raaxada indhaha anise iima aha,” waxayna noqotay sidii. Al-Qasas (7-9)

 

  1. Wuxuu ahaaday qalbigii Muuse hooyadiis mid madhan waxayna u-dhawaatay inay muujiso haddaanaan adkaynin qalbigeeda inay ahaato mu‘miniinta.
  2. Waxayna ku tidhi walaashiis “Raac,” waxayna ka eegaysay dhinac fog, iyagoon ogayn.
  3. Waxaana ka reebnay korkiisa nuugmada horay, waxayna tidhi gabadhii, “Maydin tusiyaa qoys idiin dhaqaalayn una samo-fali?”
  4. Waxaana kusoo celinnay hooyadiis, si ay u-raaxaysato isheedu una murgin, ogaatana in yabooha Eebbe yahay Xaq, laakiin dadka badankiisu ma oga.

 

Way walbahaartay Nabi Muuse hooyadiis markii la helay wiilkeedii, waxayna u-dhawaatay inay sheegto ee Eebbaa adkeeyey qalbigeeda, kana yeelay mu‘minad, waxayna fartay gabadh walaashiis ah inay dabo-socoto kana fiiriso meel durugsan si ay ula socoto xaalka iyagoon ogayn, wuuse diiday nuugmadii haween kale illeen Ilaah baa horay u-qaddaraye, waxayna u-sheegtay gabadhii inay hayso qoys dhaqaalayn, saasna Eebbe ugusoo celiyey Nabi Muuse hooyadiis in isheedu qabowdo, oyna nixin, ogaatana in yabooha Eebbe Xaq yahay, dadka badankiise ogayn. Waxaa xadiith ah, “Ruuxii shaqayn oo khayr ula jeeda shaqada wuxuu lamid yahay Nabi Muuse hooyadiis wiilkeediina way nuujisay ujuurana way ka qaadatay.” Al-Qasas (10-13)

 

  1. Markuu gaadhay [Nabi] Muuse xooggiisa oo ekaaday yaan siinnay xikmo iyo cilmi, saasaana ku abaal-marinnaa sama-falayaasha.
  2. Wuxuuna galay magaaladii waqti aan dadkeedu ogayn, wuxuuna helay labo nin oo dagaallami, oo kaasi yahay qaraabadiisa kaasna yahay colkiisa, waxaana u kaalmo-warsaday kii qaraabadiisa ahaa colkiisa [korkiisa] wuuna feedhay Muuse wuuna dilay, wuxuuna yidhi, “Waa camal Shaydaan isaguna waa col baadiyeeya oo cad.”
  3. Wuxuu yidhi, “Eebbow anigu waxaan dulmiyey naftayda ee ii dambi-dhaaf,” wuuna u dambi-dhaafay illeen Ilaahay waa dambi-dhaafe naxariistee.
  4. Wuxuuna yidhi, “Eebbow nicmadaad ii nicmaysay darteed yaanan noqonin mid u-kaalmeeya dambiilayaasha.”

 

Wuu waynaaday Nabi Muuse markaasuu Eebbe u-waxyooday illeen wuxuu ahaa sama-falee, markuu galay magaaladii Manaf iyadooy tahay waqti aan la ogayn, yuu arkay labo nin oo midna yahay qawmkiisii midna colkiisii oo dagaallami, markuu ka hiil-doonayna wuxuu feedhay kii colka ahaa wuuna dilay, hase yeeshee wuu qoomameeyey oo shallaayey illeen lama farine, wuuna tawbad-keenay, Eebbana waa ka aqbalay illeen waa tawbad-aqbalee. Al-Qasas (14-17)

 

  1. Wuxuu ku waabariistay magaaladii isagoo cabsan oo sugi [dhib] markasuu kusoo baxay kii gargaarka warsaday shalay oo qayliyi, wuxuuna ku yidhi Muuse, “Adugu waxaad tahay baadi cad.”
  2. Markuu doonay inuu qabto [wax yeelo] kii colka u-ahaana wuxuu yidhi [kii loo gargaarayey] “Muusow ma waxaad dooni inaad i disho sidaad u dishay naf [kale] shalay, ma doonaysid waxaan jabbaar [kibir-badane] ahayn dhulka ku noqoto, mana doonaysid inaad noqoto kuwa wax wanaajiya.”
  3. Waxaana ka yimid magaalada xaggeeda fog nin ordi oo leh “Muusow, qawmku waxay ku tashanayaan inay ku dilaan ee bax anuguna waan kuu naseexayne.”

 

Aayaduhu waxay inooga warrami in Nabi Muuse markuu dilay ninkay colka ahaayeen uu ahaaday mid cabsan oo waxyeello ka yaabi, wuxuuna haddana mar labaad la kulmay kuu shalay u-hiiliyey oo haddana mid kale la diriri, markuu ku sheegay doqonnimo oo doonay inuu qabto kay colka ahaayeenna, wuxuu faafiyey in Nabi Muuse shalay nin dilay maantana dooni inuu wax dilo, dhulkana xumaan ku faafiyo, qawmkiina waxay ku tashadeen in la dilo Nabi Muuse, waxaase usoo digay nin naasix u ah. Al-Qasas (18-20)

 

  1. Wuuna ka baxay [magaaladii] isagoo cabsan oo filan [waxyeello] wuxuuna yidhi, “Eebbow iga kori qawmka daalimiinta ah.”
  2. Markuu u-jahaystay Madyan xaggeedana wuxuu yidhi, “Wuxuu u dhawyahay Eebbahay inuu igu [hanuuniyo] Jidka Toosan.”
  3. Markuu gaadhay biyaha Madyanna wuxuu ka helay ummad dad ahoo waraabinaysa wuxuuna ka helay sokodooda labo haween ah oo reebi [adhigooda] wuxuuna yidhi, “Muxuu xaalkiinnu yahay?” waxayna dheheen, “Ma waraabinno intay ka fulaan xoola-jirku, aabbahanana waa oday wayn.”
  4. Markaasuu u-waraabiyey wuxuuna u-jeedsaday xagga hooska wuxuuna yidhi, “Eebbow waxaad ii soo dejiso [i siiso] oo khayr ah waan u-baahnahay.”

 

Markay ku tashadeen qawmkii inay dilaan Nabi Muuse yuu baxay oo ka tagay Masar isagoo in la haleelo ka cabsan, oo Eebbe baryi inuu ka koriyo daalimiinta, wuxuuna aaday xagga Madyan isagoo Eebbe ka baryi ku-toosin Jidka Toosan, markuu gaadhay biyihii Madyanna wuxuu la kulmay dad cabbi iyo gabdho celin xoolahooda, markuu warsadayna oy u-sheegeen in aabbahood yahay oday wayn, oyna cabbin inta dadku ka cabbo, wuuse u-waraabiyey oo hoos fadhiistay isagoo Eebbe baryi, waana kaas imtixaanku, waxayna lamid tahay hijradii Nabiga nabadgalyo korkooda Eebbe ha yeelee Madiino ku aaday, waxayna ku tusin adkaysiga iyo ku-sugnaanta Xaqa iyo Eebbe ku-xidhnaanta, iyo in Ilaahay u-gargaari ciddii Xaqa u-gargaarta kuna adkaata, Xaq oon muuqan oon dadku ku dhaqmaynna ma aha wax habboon. Al-Qasas (21-24)

 

  1. Markaasay u-timid gabdhihii middood iyadoo xishoon waxayna ku tidhi, “Aabbahay wuu kuu yeedhi inuu kaa abaal-mariyo ujuuradii waraabintaada annaga,” markuu u-yimid oos uga warramay qisadii yuu ku yidhi, “Ha cabsan waad ka kortay qawmkii daalimiinta ahaa.”
  2. Waxayna tidhi middood, “Aabbow noo ijaar, illeen waxaa u khayr-roon cid la ijaarto mid xoog badan oo aamin ah.”
  3. Wuxuuna ku yidhi, “Anugu waxaan dooni inaan kuu guuriyo labadaydan gabdhood middood inaan ku ijaarto siddeed sano haddaad dhammayso tobankana waa adiga agtaada, mana doonayo inaan ku dhibo waxaana igu ogaan hadduu Eebbe doono kuwa wanaagsan.”
  4. Wuxuuna yidhi, “Kaasi waa ballan dhexdeenna ah, labada muddo kaan dhammaystana dhib iguma aha, Eebbana waxaan sheegayno waa u-wakiil.”

 

Markay gabdhihii u-warrameen aabbahood yuu middood usoo diray, waxayna ugu timid iyadoo xishoon oon hadalka badinayn is-qaawinayna bixid iyo galid badanna ahayn siduu Sayid Cumar yidhi, waxayna u-sheegtay inuu aabbaheed u-yeedhi si uu uga abaal-mariyo waraabintiisii, markuu u-yimidna oos uga warramay xaalkiisa wuu xasiliyey oo u-sheegay inuusan ka cabsan daalimiinta kana nabad-galay, markay gabdhaha middoodu ishaartay inuu u-ijaaro lyadoo ku sheegi xoog iyo aaminnimo yuu u-guuriyey middood kugulana ballamay inuu siddeed sano ama toban hadduu doono u-ijaarraado, saasayna ku heshiiyeen, waxayna tusin wanaagga taakulaynta dadka tabarta-yar iyo Eebbe ku-xidhnaanta, tan kale xishood iyo sharafta wanaaggiisa, iyo inuu xoogga iyo aaminaadda lagu doorto cidda shaqayn, u-guurinta ninka wanaagsan ee sharafta iyo diinta leh, iyo shaqada xalaasha ah inay sharaf tahay, si kasta ha u adkaatee. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Nabi Muuse wuxuu u-ijaaray naftiisa is-dhawrid iyo calooshiisa.” Al-Qasas (25-28)

 

  1. Markuu dhammeeyey [Nabi] Muuse muddadii oo la tegay ehelkiisii wuxuu ku arkay dhinaca Duur dab, wuxuuna ku yidhi ehelkiisii, “Suga, waxaan arkaa dab ee waxaan u-dhawahay inaan idiinka keeno war ama dhuxul dab ah inaad kulaashaan.”
  2. Markuu yimidna waxaa looga dhawaaqay togga dhiniciisa midig, meeshii barakaysnayd oo geedka [isagoo la yidhi] “Anugu Ilaahay baan ahay Eebbaha caalamka ah.”
  3. “Ee tuur ushaada,” markuu arkay iyadoo gilgilanna ood mooddo mas wuu jeedsaday isagoo carari, mana soo jeedsan, [waxaana lagu yidhi] “Muusow soo qaabil [soo noqo], hana cabsan adugu aamin baad tahay [waad nabadgali].”
  4. “Gali gacantaada jeebkaaga waxay soo bixi iyadoo cad xumaan [cudur] la‘aan, iskuna dhaji garabkaaga argaggaxa dartiis taasina waa xujooyin Eebbe ka ahaatay oo Fircoon iyo qawmkiisa [loo diray] waana qawm faasiqiin ah.”

 

Wuu dhammaystay Nabi Muuse muddadii wuxuuna la tagay ehelkii, wuxuuna arkay iftiin markuu tagayna waa loo waxyooday, waxaana muuqatay calaamaddii usha iyo gacanta, cabsidiinna waxay ku rogmatay Fircoon iyo colkiisii, illeen faasiqiin bay ahaayeene, saasayna qisadu ku socotaa inta laga halaagi Fircoon iyo colkiisa. Al-Qasas (29-32)

 

  1. Wuxuu yidhi, “Eebbow waxaan ka dilay naf waxaana ka cabsan inay i dilaan.”
  2. “Walaalkay Haaruun baana iga fasiixsan carrabka [hadalka], ee ila dir xoojin ha ii rumeeyee, waxaan ka cabsan inay i beeniyaan.”
  3. Wuxuu yidhi [Eebbe] “Waannu ku xoojin cududdaada walaalkaa waxaana idiin yeeli xujo idimana gaadhayaan [dhibkiinna] aayaadkannaga dartood, idinka iyo inta idin raacday yaana adkaan.”
  4. Markuu ula yimid Muuse aayaadkannaga oo cadcad waxay dheheen, “Kani waa sixir la abuurtay mana aanaan ku maqal kan [oo kale] aabbayaalkannagii horreeyey.”
  5. Wuxuuna yidhi [Nabi] Muuse, “Eebbahay baa og cidda kala timid hanuun agtiisa iyo cidday u ahaan cidhibta dambe illeen ma liibaano daalime.”

 

Nabi Muuse wuxuu u-cawday Eebbe isagoo sheegi inuu naf ka dilay, kana yaabi inay dilaan, Haaruunna ka fasiixsan yahay oos Eebbe ka dalbi inuu ku xoojiyo oo la diro, Eebbaa ajiibay oo lala diray xujona yeelay, uguna bishaareeyey inay dhibayn, oyna iyagu adkaan, gaalo waa caaddadeede way beeniyeen Xaqii waxayna ku sheegeen sixir, Eebbaase og cidda hanuun la timid iyo tan guulaysan, gaalase ma liibaanto, waxay dheheen dadkii hore qaarkood, “Cid walaal uga wax-tar badan Nabi Muuse ma jirto Eebbuu baryey inuu Haaruun Nabi laga yeelo waana ka aqbalay.” Al-Qasas (33-37)

 

  1. Wuxuu yidhi Fircoon, “Madaxeey idiinma ogi Eebbe igasoo hadhay ee ii huri Haamaanow dhoobada iina yeel daar [dheer] inaan daalacdo Ilaaha Muuse waxaan u-malayn inuu beenaale yahaye.”
  2. Waxay isku-kibriyeen isaga iyo colkiisiiba dhulka xaq-darro waxayna u-maleeyeen inaan xagganaga loo soo celinayn.
  3. Waana qabannay isaga iyo colkiisii waxaana ku tuurnay badda ee day siday noqotay cidhibtii daalimiinta.
  4. Waxaana ka yeellay madax ugu yeedha Naarta, maalinta Qiyaamana looma gargaaro.
  5. Waxaana raacinnay adduunyadan lacnad, maalinta Qiyaamana waxay noqon kuwa la dheereeyey [la halaagay].
  6. Waxaan siinnay [Nabi] Muuse Kitaabka kadib intaan halaagnay quruumihii hore, isagoo aragti u ah dadka iyo hanuun iyo naxariis inay xusuustaan darteed.

 

Fircoon jaahilnimadiisa iyo isla-waynidiisa wuxuu sheegtay ilaahnimo, isagoo fari in loo dhiso guri wayn si uu ugu khaldo inuu Eebbe daydayey soona waayey, dhabtii wuu is-kibriyey, maxaase ka raacay isaga iyo qawmkiisii? Muxuuse ilaahnimo u sheegan waayey markii la maansheeyey ee uu cabaadayey? Waana la nacladay adduun iyo Aakhiraba lana dulleeyay. Kitaabkii Tawreed ee Nabi Muuse la siiyeyna wuxuu ahaa waano, hanuun, iyo naxariis haddii dhabtiisii lagu dhaqmo. Al-Qasas (38-43)

 

  1. Maadan ahayn dhinaca galbeed ee buurta markaan siinaynay Muuse amarka [Nabinimada] mana aadan ahayn kuwii joogay.
  2. Laakiin waxaan ahaysiinnay quruumo waxaana ku dheeraaday cimrigii, mana aadan ahayn mid ku nagaa ehelkii Madyan adoo ku akhrin korkooda aayaadkannaga laakiin annagaa ku dirray.
  3. Mana aadan ahayn dhinicii [buurta] Duur markaan u dhawaaqnay laakiin waa naxariista Eebbahaa inaad u-digto qawm uusan u-imaan dige kaa horreeyey inay waantoobaan.
  4. Hadday markay ku dhacdo musiibo [dhib] waxay hor-marsadeen gacmahoodu darteed oo markaas ay dhahaan, “Eebbow maxaad noogu soo diri wayday Rasuul oo raacno aayaadkaaga noqonnana mu‘miniinta,” [waa la ciqaabi lahaa].

 

Aayado badan yuu Eebbe ku caddeeyey inuusan Nabigu joogin markay wax ka dhaceen ummadihii hore, sida warkii Maryam, halaaggii qawmkii Nabi Nuux, Nabi Yuusuf iyo walaalihii iyo Nabi Muuse iyo Fircoon iyo wixii lamid ah, ee Eebbe wuxuu ku ogaysiiyey waxyi, Nabiguna ma joogin Duurkii Eebbe Nabi Muuse kula hadlay, iyo Madyan ee waxaa kasoo wareegtay sanooyin iyo quruumo, waxaase Eebbe siiyey Nabiga naxariis iyo waxyi si uu ugu digo qawm jaahiliin ah oo haddii la cadaabana ku calaacali, “Maxaa Rasuul naloogu soo diri waayey aan raacno oon rumeyno?” Taasina waxay muujin Xaqnimada Qur’aanka iyo inuu yahay soo-dejin Eebbaha wax walba og. Al-Qasas (44-47)

 

  1. Markuu uga yimid Xaqii xaggannaga yey dheheen, “Maa la siiyo wixii la siiyey [Nabi] Muuse oo kale,” miyeyna ka gaaloobin wixii la siiyey Muuse horay? Oyna dhihin, “Waa labo sixir oo is-kaalmaystay,” waxayna dheheen, “Annagu dhammaan waan ka gaalownay.”
  2. Waxaad dhahdaa, “Ka keena Kitaab xagga Eebbe ka hanuun badan labadooda aan raacnee haddaad run sheegaysaan.”
  3. Haddayna ku ajiibin [maqlin] ogow inay uun raacayaan hawadooda, wax ka dhumid badanna ma jirto cid raacday hawadeeda hanuun Eebbe la‘aantiis, Eebbana ma hanuuniyo qawm daalimiin ah.
  4. Dhab ahaan baan ugu xidhiidhinnay [ugu caddayn] hadalka inay waantoobaan.

 

Gaaladu war iyo madax-adayg kama daalaan, mar waxay ku calaacali, “Maa naloo soo diro dige,” markuu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) Xaq ula yimidna waxay dheheen, “Maa wixii Nabi Muuse la siiyey oo kale la siiyo,” dhabtuna waa inay ka gaaloobeen wixii Nabi Muuse la siiyey, oy kuna sheegeen isaga iyo Qur’aanka sixir is-kaalmaysan, waxaase lagu aamusiiyey laguna xujeeyey inay keenaan Kitaab ka fiican hadday run sheegi, haddii kalese waa daalimiin hawadooda raacay Xaq-la‘aan, wax badanna Eebbe wuu u-caddeeyey dadka Xaqa bal inay waano-qaataan. Cikrima wuxuu yidhi, “Labo sixir waxay ula jeedaan Tawreed iyo Injiil.” Al-Qasas (48-51)

 

  1. Kuwaannu siinay Kitaabka hortiis way rumayn isaga.
  2. Marka lagu akhriyo korkoodana waxay dhahaan, “Waan rumaynay [Qur’aanku] inuu Xaq Eebbeheen ka yimid yahay annaguna waxaan ahayn hortiis Muslimiin.”
  3. Kuwaas waxaa la siiyey ajrigooda labo mar samirkoodii dartiis, waxayna raaciyaan xumaanta wanaag, waxaan ku arzuqnayna wax bay ka bixiyaan.
  4. Markay maqlaan hadal macno darrana way ka jeedsadaan waxayna dhahaan, “Annagu camalkannaga yaan leennahay idinna camalkiinna, waad salaaman tihiin, ma rabno jaahiliin [waddadooda].”
  5. Adugu ma hanuunisid ciddaad jeceshahay laakiin Eebbaa hanuuniya cidduu doono isagaana og kuwa hanuunsan.
  6. Waxay dheheen gaaladii [Makkaad] “Haddaan raacno hanuunka waxaa nalaga dafi dhulkannaga.” Miyaannaan siinin Xaram aamin ah oo la keeno midhaha wax kasta quudin darteed oo xagganaga ah? Laakiin badankood ma oga.

 

Aayadahan waxay kusoo degeen kuwii rumeeyey oo ehlu-Kitaabka ahaa, inay rumeeyeen Xaqa, Muslimna ahaayeen, ajirkana loo laablaabi, xumaanta iyo warka jaahiliintana ay ka jeedsan jireen. Aayadaha kalana waxay kusoo degeen xaalkii Abuu Daalib Nabiga adeerkiis markuu Nabigu ka quustay, in Eebbe uun hanuuniyo cidduu doono ee cid kale wax qaban Karin. Tan kalana waxay ka warrami sida Eebbe ugu nicmeeyey reee Makkaad iyo siday Xaqa u-diidi. Bukhaari iyo Muslim waxay sheegeen in markuu sakaraadku qabtay Abuu Daalib Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ku yidhi, “Adeer ashahaado aan Eebbe agtiisa kuugu xujeestee,” markaasuu yidhi, “Wuu cabsaday lay dhihi maayo,” markaasuu dhintay. Al-Qasas (52-57)

 

  1. Badanaa intaan halaagnay magaalo ku kibirtay nolosheeda waana taas guryahoodii lamana degin gadaashood wax yar mooyee, anagaana ah kuwo dhaxla [hadha].
  2. Mana aha Eebbahaa mid halaaga magaalo intuu uga bixiyo tan hooyada u ah [caasimadda] Rasuul ku akhriya korkooda aayaadkannaga mana nihin kuwo halaaga magaalo aan ehelkeedu daalimiin ahayn.
  3. Wixii laydin siiyey oo wax ah waa uun raaxada nolosha dhaw iyo quruxdeeda waxase Eebbe agtiisa ah yaa khayr-roon oo hadhid badan ee miyeydaan wax kasayn?
  4. Ruuxaan u-yaboohnay yabooh fiican oo la kulmi ma lamid baa ruuxaan ugu raaxaynay nolosha dhaw markaas noqon maalinta Qiyaame kuwa lasoo joojin [la cadaabi]?

 

Wax badan yuu Eebbe halaagay magaalo ku kibirtay nolosheeda, markaas aan la degin guryahoodii iyaga kadib wax yar mooyee, Eebbe un baana u-hadhay, lamana halaago ummad inta looga diro Rasuul magaaladooda weyn, sidii Makka, kuna akhriyo Qur’aanka, halaagguna wuxuu ku dhacaa markay dulmi falaan. Wax kasta oo addunyo wax laysku siiyana waa uun nolol dhaw oo tagi, waxaase khayr-roon oo hadhid badan wanaagga Eebbe agtiisa ah, waana in wax la kasaa oo la waano-qaato. Mana sinna ruux wanaag loo yaboohay oo la kulmi, iyo mid wax yar loo raaxeeyey oo noqon Qiyaamada kuwa loo soo taago ciqaabta. Ujeeddaduna waa in kibir iyo isla-waynida macno darro layska jiro, raaxada adduunna lagu kadsoomin ee si fiican iyo sharaf iyo Eebbe ka-yaabid lagu noolaado, illeen adduun iyo Aakhiro waxay isu yihiin far bad la galiyey oo kalee siduu Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee). Al-Qasas (58-61)

 

  1. Xusuuso maalinta Eebbe u-yeedhi gaalada oo ku dhihi, “Aaway kuwaad ila wadaajiseen ah kuwaad sheeganayseen [caabudayseen]?”
  2. Kuwii waxay dheheen uu ku sugnaaday hadalkii Eebbe [ciqaabtii] “Eebbow kuwaasu waa kuwaan baadiyeynay, waana baadiyeynay sidaan u-baadiyownay waana isaga kaa bari-yeelnay mana ahayn kuwo annaga na caabuda.”
  3. Waxaana loo odhan, “U-yeedha shurakadiinna,” markaasay u-yeedhaan mase ajiibaan [maqlaan] waxayna arkaan cadaabka markaasay qoomamoodaan hadday hanuuni lahaayeen.
  4. Xusuuso maalintaan u-yeedhayno gaalada oos ku odhan Eebbe, “Maxaad ugu jawaabteen Rasuulladii.”
  5. Markaasay ku indho-beeshay korkooda xujadii [waayeen xujo] maalintaas, waxna isma warsadaan.
  6. Ruuxiise tawbad-keena oo rumeeya oo fala camal fiican wuxuu u dhawyahay inuu noqdo kuwa liibaanay.

 

Maalinta Qiyaamana wuu soo kulmin Eebbe waydiinna waxay caabudi jireen, waxayna qiran in qaarkood qaar baadiyeeyey, wayna iska fogayn inay caabudi jireen, markay u-yimaadaanna ma maqlaan, waxayna qoomamoodaan hanuun-la‘aantii. Markii la warsado waxay Rasuuladii qaabileenna waxba way sheegi waayi, waxna isma warsadaan. Ciddiise tawbad-keenta oo wanaag fasha wuxuu u dhawyahay in loo naxariisto.. Al-Qasas (62-67)

 

  1. Eebbahaa wuxuu abuuraa wuxuu doono oo doorto, doorasho ma leh iyagu [dadku] waa ka nazahan yahay Eebbe waana ka sarreeyaa waxay la wadaajin.
  2. Eebbahaana waa ogyahay waxay qarin laabtoodu iyo waxay muujinba.
  3. Eebbana waa Ilaaha isaga mooyee aan ilaah kale [xaq lagu caabudo] jirin, mahad buu mutaa adduun iyo Aakhiraba, xukunkana isagaa iska leh xaggiisaana loo noqon.
  4. Waxaad dhahdaa, “Bal warrama hadduu ka yeelo Eebbe korkiinna habeen joogta ah tan iyo Qiyaamada, waa kee eebbaha kasoo hadhay Ilaahay ee idiin keeni nuur? Miyaydaan wax maqlayn?”
  5. Waxaadna dhahdaa, “Bal warrama hadduu ka yeelo Eebbe korkiinna maalin joogta ah tan iyo Qiyaamada, waa kee eebbaha kasoo hadhay Ilaahay ee idiin keeni habeen aad ku xasishaan dhexdiisa? Miyeydaan wax arkayn?”
  6. Naxariistiisa waxaa kamid ah inuu idiin yeelay habeen iyo dharaarba inaad xasishaan dhexdiisa dalabtaanna fadligiisa iyo inaad ku shukridaan.

 

Eebbaa wax abuura waxna doorta, dadse wax ma doortaan, Eebbana xumaan wuu ka nazahan yahay, waxa la qarin iyo waxa la muujinna waa ogyahay, Eebbe mooyee ilaah (kale xaq lagu caabudo) ma jiro, mahad iyo xukunna isagaa iska leh adduun iyo Aakhiraba. Waana Eebbaha habeen iyo maalin inoo yeelay een midna joogto ka yeelin, laakiin naxariis darteed yuu habeenka iyo dharaarta inoogu yeelay si loo xasilo loona shaqeeyo waxaa wax mudan mahad Eebbe, iyo cibaadadiisa. Al-Qasas (68-73)

 

  1. Xusuuso maalintaan u-yeedhayno gaalada oo Eebbe odhan, “Aaway shurakadaydii ah kuwaad sheeganayseen?”
  2. Waxaana kasoo siibnaa ummad kasta markhaati waxaana ku nidhi, “Keena xujadiinna,” waxayna ogaadaan in Xaqa Eebbe leeyahay waxaana ka dhumay xaggooda waxay been-abuuran jireen.
  3. Qaaruunna wuxuu kamid ahaa qawmkii [Nabi] Muuse, wuuna ku kibray korkooda, waxaana siinnay wax furayaalkiisu ku culus tahay koox xoog badan, markay ku dheheen qawmkiisii, “Ha farxin [kibrin] Eebbe ma jecla kuwa farxa [kibree].”
  4. “Kuna doon waxa Eebbe ku siiyey guriga Aakhiro hana halmaamin qaybtaada adduunka samana fal sida Eebbe kuugu samo-falay hana la doonin fasaad dhulka, Eebbe ma jecla fasaadiyaashee.”

 

Haddana mar kalaa loo dhawaaqi iyagoo la warsan waxay caabudi jireen, ummad walbana waxaa laga soo saari marag oo Rasuul ah, waxaana la warsan inay keenaan xujo waxayna yaqiinsadeen in Xaqu Eebbe u-sugnaaday, waxaana ka dhumay beentay abuuran jireen. Qaaruunna wuxuu kamid ahaa qawmkii Nabi Muuse wuuse ku kibray, isagoo lahaa xoolo badan oo furayaashiisu culaysiso koox xoog badan, waxayna saaxiibbadiis ugu naseexeeyeen inuusan kibrin oon faraxu ku xambaarin isla-wayni, waxa Eebbe siiyeyna uu ku doono Aakhiro, uusan halmaaminna nasiibkiisa adduunka, wanaagna falo sida Eebbe ugu wanaag-falay, xumaan iyo fasaadna uusan dhulka la doonin, illeen Eebbe ma jecla xumaan-wadayaasha iyo kuwa wax fasaadiyee. Faraxana lama diiddana hadduun fudayd iyo xumaan kugu xambaarayn ee waxaa uun la rabaa wanaag iyo Eebbe ku-xidhnaan. Al-Qasas (74-77)

 

  1. Wuxuuna yidhi, “Waxaa uun la ii siiyey xoolaha ogaanshahayga.” Miyuusan ogayn in Eebbe halaagay hortiis quruumihii kuwo ka daran xaggiisa xoogga kana badan kulan? Lamana warsado dambigooda dambiilayaasha.
  2. Markaasuu usoo baxay qawmkiisii isagoo xarragoon waxayna dheheen kuwa dooni nolosha dhaw, “Shallaytee haddaan leennahay waxa la siiyey Qaaruun oo kale, waa nasiib wayn.”
  3. Waxayna dheheen kuwii la siiyey cilmiga, “Magaciin ba’ ee abaal-marinta Eebbaa u khayr-roon ciddii rumaysa oo fasha camal fiican,” lamana waafajiyo [hadalkaas] saabiriinta mooyee.
  4. Markaasaan la goynay isagii iyo xoolihiisiiba dhulka, mana helin koox uga gargaarta Eebbe ka-sokow, mana noqonin mid gargaarta.
  5. Waxayna ahaadeen kuwii doonayey meeshiisa shalay inay dhahaan, “Waa yaabe illeen Eebbaa u-waasiciyey rizqiga cidduu doono oo addoomadiisa ah kuna cidhiidhiya, hadduusan Eebbe nagu galladaysan wuxuu nala goyn lahaa [dhulka] waa yaab ma liibaanto gaalo.”

 

Muxuuse ku jawaabay markii la waaniyey? Wuxuu sheegay in xoolaha loo siiyey cilmigiisa iyo wanaaggiisa, laakiin ha ogaado in Eebbe halaagay hortiis qarniyo ka xoog badan kana xoolo iyo dad badan, dambiilana lama idan warsado. Wuuse soo baxay isagoo xarragoon, markaasay jeclaadeen kuwii adduunka doonayey inay isagoo kale noqdaan, kuwiise cilmiga lahaa waxay dheheen, “Magaciis ba’ ee wanaagga Eebbe yaa u fiican ciddii sama-fasha.” Dhulkaase lala gooyey Qaaruun iyo guryihiisiiba, wax u-gargaarana ma helin, isna isuma gargaarin. Markaasay kuwii jeclaa wixiisoo kale shalay dheheen, “Yaab weeyee illeen rizqiga wuxuu ku jiraa awoodda Eebbe, waasicin iyo cidhiidhiba,” waxayna sheegeen in haddaan Eebbe u-naxariisan lala goyn lahaa dhulka, waxayna ogaadeen inayna gaalo liibaanayn. Waana kaas cidhibta kibirka iyo xoolaha sida xun loogu dhaqmo. Xooluhuse waa wanaag haddii Eebbe laga yaabo oo lagu samo-falo. Al-Qasas (78-82)

 

  1. Taasi waa daartii Aakhiro waxaana u-yeelnay kuwaan doonayn isla-sarraynta [kibirka] dhulka iyo fasaad, cidhibta [fiicanna] waxaa leh kuwa dhawrsada.
  2. Ciddii la timaadda wanaag wuxuu mudan wax ka khayr-roon, ciddiise la timaadda xumaan lagama abaal-mariyo kuwa xumaanta sameeya waxaan waxay faleen ahayn.
  3. Eebbaha kugu faral-yeelay Qur’aanka wuxuu kuu soo celin meeshii ballanka [Qiyaamada ama Makka], waxaad dhahdaa, “Eebbahay baa og ruuxii la yimid hanuun iyo kan ku sugan baadi cad.”
  4. Mana aadan ahayn mid rajayn in lagugu soo dejiyo Kitaabka, hasa yeeshee waa naxariista Eebbahaa ee ha noqonin mid u-kaalmeeya gaalada.
  5. Yeyna kaa leexin aayaadka Eebbe intii lagugu soo dejiyey kadib uguna yeedh xagga Eebbahaa, hana kamid noqonin mushrikiinta.
  6. Hana caabudin Eebbe la-jirkiisa ilaah kale, Eebbe mooyee ilaah [kalana xaq lagu caabudo] ma jiro, wax kasta wuu halaagsami [tagi] Eebbe mooyee, xukunkana isagaa iska leh, xaggiisaana laydiin celin.

 

Aayadahanna waxay sheegi in daarta Aakhiro loo yeelay kuwaan is-kibrin islana waynayn, xumaanna dhulka ku marin, cidhibta fiicanna waxaa mudan kuwa dhawrsada, wanaaggana mid ka fiican yaa lagu abaal-mariyaa, xumaantana waxaa uun lagu abaal-mariyaa waxay fali jireen. Eebbana wuxuu Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) u-yaboohay wanaag iyo inuu meel fiican usoo celin ama Jannada ha ahaato ama Makko ha ahaatee, Eebbaana og cidda hanuunsan iyo tan baadida ah, Nabiguna ma rajaynayn waxyi intaan lagusoo dejinin Qur’aanka. Gaalana wax loo kaalmeeyo ma aha, iyo inay kaa leexiyaan aayaadka Eebbe inta lagugu soo dejiyey, gaalana wax laga mid noqdo ma aha, Eebbaana Xaq ah oo xaggiisa loo noqon, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Hadalka ugu runsan ee shaacir yidhi waa hadalkii Labiid; wax kasta oo Ilaahay kasoo hadhay way tagi.” Suuradduna waxay soo socoto oy marba hab u warrantana waxay ku dhammaatay: inaan la kibrin, wanaagga la falo, Eebbe usoo celin Nabiga meel uu jecel yahay, inaan gaalo loo kaalmayn, lana mid noqon, Eebbe kaliyana la caabudo, wixii kasoo hadhayna tagi, xukunkuna isaga u ahaan, loona noqon isaga. Al-Qasas (83-88)

 

Suurat Al-Cankabuut

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Alif. Laam. Miim. [Waxay ku tusin mucjizada Qur’aanka sida lasoo sheegay.]
  2. Ma wuxuu u-maleeyey dadku in loogaga tagi inay dhahaan waan rumeynay oon la imtixaamayn?
  3. Dhab ahaan yaan u-imtixaannay kuwii ka horreeyay, Eebbana wuu muujin kuwii run sheegay, wuxuuna muujin kuwa beenlowga ah.
  4. Mise waxay u-maleeyeen kuwii xumaanta samaynayey inay naga dheereyn [carari] waxaa xun waxay xukumi.
  5. Ruuxii rajayn [ka cabsan] la-kulanka Eebbe, ajashii Eebbe [uu qadaray] way imaan, Eebbana waa maqle oge ah.
  6. Ruuxii dadaala wuxuu uun u dadaalay naftiisa, Eebbana waa ka kaaftoon yahay caalamka.
  7. Kuwa [Xaqa] rumeeyey camal fiicanna falay waxaan asturaynaa xumaantooda, waxaana ka abaal-marinaynaa kii u fiicnaa ay camal-fali jireen.

 

Adduunku waa guri imtixaan iyo shaqo, mana suurowdo in cidna lagu dhaafo inuu sheegto wanaag iyo xaqnimeyn imtixaan la‘aan, taasina waa sunnada Eebbe oo kuwii horaba wuu imtixaanay, wuuna muujin ciddii run sheegi iyo tii been sheegiba, cid ka fakanna ma jirto. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Dadka waxaa ugu daran imtixaan anbiyada, kuwa suubban iyo midba midkuu ka fiican yahay, ruuxana waa la imtixaami inta diintiisu tahay, hadday diintiisu adag tahay imtixaamkaa lagu badiyaa.” Waa saxiix. Wuxuu Eebbe qadarana wuu imaan ee waa in wanaagga lagu dadaalo, illeen cid walba waxaa laga abaal-marin waxay la timaaddo xumaan iyo samaanba. Xasan al-Basri wuxuu yidhi, “Ruuxu mujaahid buu noqon karaa isagoon maalinna seef wax ku dhufanin.” Al- Cankabuut (1-7)

 

  1. Waxaan u dardaarannay dadka labadiisii waalid wanaag-falkooda, hadday kugula dadaalaan inaad ila wadaajiso waxaadan cilmi u lahayn [gaalowdo] haku adeecin, xaggayga un baa laydiin soo celin, waxaana idiinka warrami [abaalna-marin] waxaad camal-fali jirteen.
  2. Kuwiise [Xaqa] rumeeyey camal fiicanna falay waxaan dhex-galinaynaa kuwa suubban [Jannada].
  3. Dadka waxaa kamid ah ruux dhihi, “Waxaan rumeynay Eebbe,” markii lagu dhibo Eebbe dartiisna ka yeela imtixaanka dadka [dhibkooda] cadaabka Eebbe oo kale, hadday timaaddo guul xagga Eebbe ka ahaatay waxay dhahaan, “Annagu waan idin la jirnaa,” Eebbe miyuusan ahayn kan og waxa laabta dadka ku jira?
  4. Dhab ahaan yuu muujin Eebbe kuwa Xaqa rumeeyey. Dhab ahaanna wuxuu u-muujin kuwa munaafiqiinta ah.
  5. Waxay ku dheheen kuwii galoobay kuwii Xaqa rumeeyey, “Raaca waddadannada aan xambaarro gafafkiinnee,” mana aha kuwo xambaari waxa gafafkooda ah, ee waa beenaalayaal.
  6. Waxayse dhab ahaan u-xambaari culaysyaalkooda iyo culaysyo culaysyadoodii la jira, waxaana dhab ahaan loo warsan maalinta Qiyaame waxay been-abuuran jireen.

 

Waalidkaa isagaa sabab u ahaa jiritaankaaga Eebbe ka-sokow, wuuna kugu dhibtooday siduu kuu korin lahaa, abaalkiisuna waa wanaag iyo samo-fal hadduusan gaalnimo ku farin oon lagu adeeceyn, illeen Eebbaa loo noqone, ciddii wanaag fashana kuwa wanaagsan yuu Jannada la gali. Eebbana wax ka qarsoon ma jiro wuuna ogyahay kuwa markii la dhibana Diinta ka taga, markii guul la helana kusoo dhawaada, wuxuuna ogyahay mu‘minka dhabta ah iyo munaafaqaba. Cid cid kale dambi ka xambaarina ma jirto ee wuxuu xambaari ruux walba dambigiisii iyo kii dhumintiisa. Waxaa sugnaaday ruuxii hanuun ugu yeedha wuxuu mudan ajriga kuwa uu u-yeedhay oo kale ee raacay tan iyo Qiyaamada isagoon iyana waxba laga nusqaaminayn ajrigooda, ruuxii u-yeedha baadina, waxaa korkiisa ah dambiga kuwii ku raacay tan iyo Qiyaamada isagoon laga nusqaaminayn iyana dambigoodii waxba. Waa saxiix. Al-Cankabuut (8-13)

 

  1. Dhab ahaan baan ugu dirray [Nabi] Nuux qawmkiisii, wuxuuna ku dhex-nagaaday kun sano oo kontan la‘ waxaana qabtay duufaankii [halaaggii biyaha] iyagoo daalimiin ah.
  2. Waana korinnay Nuux iyo dadkii doonta, waxaana ka yeellay aayad [uu ku waantoomo] caalamku.
  3. [Nabi] Ibraahiimna [waan diray] wuxuuna ku yidhi qawmkiisii, “Caabuda Eebbe kana dhawrsada saasaa idiin khayr badane haddaad wax ogtihiin.”
  4. Waxaad uun caabudaysaan Eebbe ka-sokow sanamyo, waxaadna abuuraysaan been, kuwaad caabudaysaan Eebbe ka-sokow idiinma hantaan wax rizqi ah ee ka dalba Eebbe agtiisa rizqiga, caabudana kuna mahdiya xaggiisaa laydiin celine.
  5. Haddaad beenisaan [Xaqa] waxaa beeniyey ummado idinka horreeyey Rasuulkana ma saarra waxaan gaadhsiin cad ahayn.

 

Meelo badan yuu Eebbe kusoo celceliyey qisada Nabiyada iyo dadkii loo diray si loogu waano-qaato, halkanna waxay aayaduhu caddayn in Nabi Nuux ku dhex-noolaa qawmkiisii muddadaas dheer Xaqana ugu yeedhayey beeniyeenna lana halaagay isaga iyo intii doonta kula jirtay mooyee. Sidoo kale Nabi Ibraahiim isna Eebbaa u diray qawmkiisii, wuxuuna ugu yeedhay inay Eebbe kaliya caabudaan rizqigana ka doonaan kuna mahdiyaan waxa isaga kasoo hadhayna ay iskaga tagaan, ciddii Xaqa beenisana waxay lamid noqon kuwii horay Xaqa u-beeniyey ee la halaagay. Nabigana waxaa uun korkiisa ah caddaynta Xaqa iyo ugu yeedhidiisa. Al-Cankabuut (14-18)

 

  1. Miyeyna arkayn sida Eebbe u billaabay [abuuridda] khalqiga una soo-celin? Arrintaasna Eebbe waa u fududdahay.
  2. Waxaad dhahdaa, “Socda dhulka oo daya sida Eebbe u-billaabay khalqiga, haddana Eebbe u-ahaysiin abuuridda dambe [soo-bixinta], Eebbana wax walba wuu karaa.”
  3. Wuxuu cadaabaa cidduu doono wuxuuna u-naxariistaa cidduu doono, xaggiisaana laydiin celin.
  4. Idinkuna ma tihidin kuwa Eebbe ku daaliya dhulka iyo samada midna wax Eebbe kasoo hadhay oo idiin sokeeya ah ama idiin gargaarina ma jiro.
  5. Kuwii ka gaaloobay aayaadka Eebbe iyo la-kulankiisa kuwaasi waxay ka quusteen naxariistayda waxaana kuwaas u-sugnaaday cadaab daran.
  6. Jawaabtii qawmkiisuna waxaan ahayn, “Dila ama guba,” ma ahayn, markaasaa Eebbe ka koriyey dabkii, arrintaasna waano yaa ugu sugan ciddii wax rumeyn.
  7. Wuxuuna ku yidhi [Nabi Ibraahiim] “Waxaad yeelateen Eebbe ka-sokow sanamyaal jacayl dhexdiinna ah dartiis nolosha adduunyo, maalinta Qiyaamese wuu diidi qaarkiin qaarka kale lacanadina qaarkiin qaarka kale, hoygiinuna waa Naarta wax idiin gargaarina idiin ma sugnaan.

 

Ruuxii caqli leh waa inuu fikiraa sida Eebbe wax u-abuuray iyo siduu u karo inuu usoo celiyo una fududdahay, dhulkana waa in la maraa si loo arko abuurka Eebbe iyo qudradiisa. Caabudid, naxariis, gargaar iyo awooddana Eebbaa iska leh, ee waa in la rumeeyaa aayaadkiisa iyo la-kulankiisa si loo helo naxariistiisa, cadaabkiisana looga koro. Bal day Nabi Ibraahiim siday ugu jawaabeen qawmkiisii oy dheheen, “Dila,” dabna ay ku tureen, markuu ugu yeedhay cibaadada Eebbe iyo inay ka tagaan sanamyada ay isku jecel yihiin nolosha adduunyo, hadhow Qiyaamadase ay kala carari qaarna qaar nacladi wax u-gargaarina ayna helayn. Waana taas sida dhabta ah oo ah in inta xumaanta isku jeclaata nolosha adduunyo is-nici doonaan maalinta Qiyaame. Al-Cankabuut (19-25)

 

  1. Waxaa rumeeyey [Nabi] Ibraahiim [Nabi] Luud wuxuuna yidhi [Nabi] Ibraahiim, “Waxaan u-hijroon Eebbahay illeen waa adkaade falsane.”
  2. Waxaana siinnay Isxaaq iyo Yacquub waxaana yeelnay faraciisii Nabinnimo iyo Kitaab [loo soo dajiyey] waxaana siinney ajrigiisii adduunyada dhexdeeda Aakhirana wuxuu kamid noqon kuwa suubban.
  3. [Nabi] Luudna [xusuuso] markuu ku yidhi qawmkiisii, “Waxaad la timaaddeen xumaan aan cidna idiinka hormarin adduunyada.”
  4. Idinku ma waxaad u-tagaysaan ragga ood goynaysaan jidka kulana imaanaysaan naadigiinna wax la naco, mana noqonin qawmkiisii jawaabtoodii inay dhahaan, “Noo keen cadaabka Eebbe haddaad kamid tahay runlayaasha mooyee.”
  5. Wuxuuna yidhi, “Eebbow iiga gargaar qawmka wax fasaadiya.”
  6. Markay ula timid farriintannadii [malaa‘igtii] Nabi Ibraahiim bishaaro waxay dheheen “Annagu waxaan halaagaynaa ehelka magaaladan, ehelkeedu waa daalimiine.”
  7. [Wuxuu yidhi Nabi Ibraahiim] waxaa ku sugan Luud, waxay dheheen “Annagaa og cidda dhexdeeda ah waanu korinaynaa Luud iyo ehelkiisa haweenaydiisa mooyee oo noqon kuwa halaaggu ku hadhi.”

 

Qisada Nabi Luud iyo qawmkiisa wax badan bay kusoo noqnoqotay Qur’aanka. Waxayna samayn jireen xumaan laga xishoodo iyo akhlaaq xun. Tan kale waxay ku tusin aayaduhu hijradii Nabi Ibraahiim iyo sidii Eebbe u-barakeeyey faraciisa iyo naxariis badnidiisii, iyo inaan nafna naf kale dambigeeda qaadayn sidii haweeneydii Nabi Luudba. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Waxay tuuri jireen dadka waddada mari, kuna jeesjeesi jireen waana kaas waxa la noco ay la imaan jireen.” Imaam Axmed iyo kuwa kaleba yaa wariyey. Al-Cankabuut (26-32)

 

  1. Markay Rasuulladannadii [malaa‘igtii] u-timid Luud wuu ka tiiraanyooday wuuna la cidhiidhyamay waxayna ku dheheen, “Ha cabsan hana tiiraanyoon waanu ku korin adiga iyo ehelkaagabee haweenaydaada mooyee oo noqon kuwa la halaagi.”
  2. Waxaanu kusoo dajin magaalada dadkeeda dhagaxyo [Naareed] oo samada ka yimid faasiqnimadooda darteed.
  3. Waxaanu kaga tagnay magaaladaa calaamad u-muuqata qawmkii wax kasi.
  4. Reer Madyanna [waxaannu u-dirnay] walaalkood [Nabi] Shucayb wuxuuna ku yidhi, “Qawmkayow caabuda Eebbe, rajeeyana [ka yaaba] maalintii dambaysay hana la soconina dhulka fasaadin.”
  5. Markaasay beeniyeen waxaana qabtay gariir [iyo qaylo] waxayna noqdeen kuwo lawyaha u dhaca.
  6. Caad iyo Thamuudna [waan halaagnay, halaaggooduna] wuxuu idiinka muuqdaa guryahoodii, wuxuuna u-qurxiyey Shaydaan camalkoodi, wuxuuna ka leexiyey jidka waxayna ahaayeen kuwo wax arka [hadday waantoobi].

 

Martidoo la sharifo waa dabeecad fiican oo Islaamnimo, sidoo kale iyana waxaa fiican isu-bishaaraynta iyo cabsida iyo murugta oo dadka laga fududeeyo, markaas kadib waxay aayaduhu ka warrameen qawmkii Nabi Luud, Shucayb, iyo reer Caad iyo Thamuud iyo waxay ku dambeeyeen iyo waxay la yimaadeen oo xumaan ah. Waxaana warkooda lagu faahfaahiyey meela kale, waxaase loo baahan yahay uun in laga dheeraado jidkoodii xumaa wanaaggana lagu dadaalo. Al-Cankabuut (33-38)

 

  1. Qaaruun, Fircoon iyo Haamaanna [waa la halaagay], dhab ahaanna wuxuu ugula yimid [Nabi] Muuse xujooyin wayna isku-kibriyeen dhulka, mana aha kuwo naga dheereyn [carari] kara.
  2. Dhammaantood waxaan u qabannay dambigooda, waxaa kamid ah mid aan ku diray dabayl dhagax wadata, waxaa kamid ah miday qabatay qaylo, waxaa kamid ah midaan la goynay dhulka, waxaa kamid ah midaan maanshaynay, Eebbana ma aha kii dulmiya hasa yeeshee iyagaa naftooda dulmiyey.
  3. Kuwii yeeshay Eebbe ka-sokow awliyo [sokeeye u-gargaara] waxay lamid yihiin caaro yeelatay guri waxaana ugu xun guri guri caaro hadday wax ogyihiin.
  4. Eebbe waa ogyahay waxay baryayaan [caabudayaan] oo isaga kasoo hadhay, Eebbana waa adkaade falsan.
  5. Taasina waa tusaale aannu u yeelayno dadka, wax kasi oon ahayn kuwa wax yaqaanna ma jiro.

 

Eebbe dulmilowga wuu sugaa markuuse qabto ma fakiyo, siduu ku falay dulmiilayaashii Xaqa iyo Nabiyada beeniyey islana weynaaday sidii Qaaruun, Fircoon, iyo Haamaan iyo qawmkii Nabi Luud, Nabi Nuux iyo Nabi Saalix iyo wixii lamid ah dhammaantood, waana la halaagay dambigooda dartiis, waxayna ku tusin in xumaan cidhibteed tahay halaag, Eebbana cidna ma dulmiyo iyagaase is-dulmiya dadku. Ruuxiise waxaan Eebbe ahayn caabuda wuxuu lamid yahay caaro guri dhoobdhoobtay oon waxba u-tarayn, Eebbaase ah wax la caabudo awoodna leh, waxaase arrintaas kasi kuwa caqliga iyo cilmiga leh. Waxaa laga wariyey Camar binu Murrata inuu yidhi, “Markaan maro aayad Kitaabka Eebbe kamid ah oonan garanayn way i walbahaarisaa illeen Eebbaa yidhi, ‘Ma kasaan kuwa cilmiga leh mooyee.’” Waxaa wariyey Ibnu Abii Xaatim. Al-Cankabuut (39-43)

 

  1. Eebbaa u-abuuray samooyinka iyo dhulka si xaq ah, arrintaasna calaamaa ugu sugan mu’miniinta.
  2. Akhri [Nabiyow] waxa luguu waxyoon oo Kitaabka ah oog salaaddana maxaa yeelay salaaddu waxay ka reebtaa [dadka] xumaanta iyo waxa la noco, xusidda Eebbaana weyn, Eebbana waa ogyahay waxaad sanceyneysaan.
  3. Hakula murmina ehlu-Kitaabka wax fiican mooyee, marka laga reebo kuwa dulmiga fala oo kamid ah, waxaadna dhahdaan, “Waxaan rumeynay wixii nalagu soo dajiyey iyo wixii laydinku soo dajiyey Ilaahanno iyo Ilaahiinna waa mid annaguna isagaan u-hoggaansannay.
  4. Saasaanu kuugu soo-dajinney Kitaabka, kuwa la siiyey Kitaabkana way rumeeyaan, kuwaasna waxaa kamid ah kuwo rumeyn [reer Makkaad], mana diido aayaadkannaga gaal mooyee.
  5. Ma tihid mid wax akhriya Qur’aanka kahor kumana aadan dhigi jirin midigtaada markaas ay shakiyaan kuwa baadilka [xumaanta] ku socda.
  6. Waase aayaad cad cad kuna sugan laabta kuwa cilmiga la siiyey, wax diidi aayaadkannaga oon daalimiinta ahayna ma jiro.

 

Cirka iyo dhulka waxaa ku sugan aayado wax lagu qaato, ruuxa mu‘minka ahna waxaa laga rabaa inuu akhriyo Qur’aanka, salaaddana oogo, illeen waxa xun bay reebtaaye, xusidda Eebbana u-dadaalo. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Ruuxayna salaaddiisu ka reebin xumaanta iyo waxa la naco salaaddu uma jirto.” Ibnu Abii Xaatim. Tan kale waa in si fiican dadka Xaqa loogu yeedho oon muran lahayn, hasa yeeshee ciddii madax adkaata waa in loola maro sida ku habboon, illeen Ilaaheen waa mid kaliya isagaana u hoggaansanahaye, Qur’aankana isagaa soo dajiyey cid aan gaal ahayna ma diido. Nabiguna wax ma akhrin jirin mana qori jirin Qur’aanka kahor, illeen way shakin lahaayeen xumaanlowguye. Al-Cankabuut (44-49)

 

  1. Waxay dheheen gaaladii [Makkaad] “Maxaa loogu dajin waayey korkiisa aayado xagga Eebbe ka yimid?” Waxaad dhahdaa, “Aayaadku waxaa uun ay ka yimaadaan Eebbe agtiisa aniguse waxaan uun ahay u-dige muuqda.”
  2. Miyuusanse ku filneyn inaan kugu soo dajinnay Kitaabka [Qur’aanka] oo lagu akhriyo korkaaga? Arrintaasna naxariis iyo waano yaa ugu sugan qawmkii rumeyn [Xaqa].
  3. Waxaad dhahdaa, “Waxaa ku filan dhexdeenna Eebbe markhaati ahaan wuxuuna ogyahay waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka, kuwa rumeeyey baadil kana gaaloobay Eebbe kuwaasi iyaga uun baa khasaaray.”
  4. Waxay kaa dadajisan cadaab, haddayna jirin muddo magacaaban waxaa u-imaan lahaa cadaabka, wuxuuna ugu imaan lahaa kado iyagoon ogayn.
  5. Waxay kaa dadajisan cadaab, Naarta Jahannamana waxay koobi gaalada.
  6. Maalinta [Qiyaamada] waxaa dabooli gaalada cadaab korkooda iyo lugahooda hoostoodaba, wuxuuna ku dhihi Eebbe, “Dhadhamiya waxaad camal-fali jirteen.”

 

Gaaladii reer Makkaad aad bay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) u-dhibeen uguna madax-adkaadeen, waxayna warsadeen mucjisooyiin gaar ah oo say rabaan ah, waxaase ku filan ruuxii Xaqa raba Qur’aanka naxariista iyo hanuunka ah, marag iyo gargaarana Eebbaa ku filan, kuwa khasaarayse waa kuwa rumeeyey xumaan Xaqana beeniyey, cadaabna wax la dadajisto ma aha, illeen wax walba mudduu leeyahaye, waxaase imaan maalin cadaabku dhan walba gaalada ka koobi si xunna ay u-dulloobi. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Nabi kasta waxaa la siiyey waxaan isagoo kale dad rumeynin (horey) waxaase lay siiyey waxyi Eebbe ii waxyooday, waxaana rajayn inaan ahaado midka kuwa raacay ugu badan yihiin.” Al-Cankabuut (50-55)

 

  1. Addoomadayda rumeeyow, dhulkaygu waa waasac ee aniga uun i caabuda.
  2. Naf kastaa waxay dhadhamin geerida xaggaygaana laydiin soo celin markaas.
  3. Kuwa [Xaqa] rumeeyey camal fiicanna falay waxaanu ka dajin Jannada qolol ay dureeri dhexdeeda wabiyaal ayna ku waari dhexdeeda, waxaana ugu wanaagsan ujuurada kuwa shaqeeyey [Jannada].
  4. Ee ah kuwa samray Eebbahoodna tala-saarta.
  5. Badanaa dhul socod aan xambaaran karin rizqigeeda ee Eebbe arzuqo iyada iyo idinkaba. Eebbana waa maqle oge ah.
  6. Haddaad waydiiso gaalada, “Yaa abuuray samooyinka iyo dhulka oo sakhiray qorraxda iyo dayaxa?” Waxay odhan “Ilaahay,” ee xaggee loo iili gaalada.
  7. Eebbaa u-waasiciya rizqiga ruuxuu doono oo addoomihiisa ah, kuna cidhiidhiya [kuu doono], Eebbana wax walba waa ogyahay.
  8. Haddaad waydiiso gaalada, “Yaa kasoo dajiya samada biyo oo ku nooleeya dhulka intuu dhintay [abaaroobay] kadib?” waxay odhan “Ilaahay,” waxaad dhahdaa, “Mahad Eebbaa iska leh, badankooduse wax ma kasayaan.”

 

Eebbaheen wuxuu u-sheegay addoomadiisa rumeeyey in dhulkiisu waasac yahay meel kastana ay ku caabudaan illeen naf walba way dhimane, xagga Eebbaana loo celine, kuwa Xaqa rumeeyey oo camal fiican falay waxaa la dajin Janno ay ku waaraan illeen dar Eebbey u-samreen wayna tala-saarteen. Eebbaana wax kasta quudiya oo maqla oo og. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Dhulku waa dhul Eebbe, addoomuhuna waa addoomo Eebbe ee meeshaad khayr ka heshaba ku nagow.” Imaam Axmed. Waxayna ku tusin in dhulka Muslimiintu dhul kaliya yahay, xaqna ku wada leeyihiin gaaladiina haddii la warsado Eebbaha cirka, dhulka, qorraxda, dayaxa oo cirka biya ka keena waxna arzuqa waxay qiri inuu Eebbe yahay, gardarrayse u-dhumeen, dhabtuna waa in cid kasta rumeysan tahay awoodda Eebbe ee waxay u-beenin Xaqana uga leexan dan gaar ahaaneed iyo yaan lagu xisaabin. Al-Cankabuut (56-63)

 

  1. Mana aha noloshan adduunyo ciyaar iyo dheeldheel mooyee, daarta Aakhiraana meel nololeed ah hadday wax ogyihiin dadku.
  2. Markay koraan doonta waxay baryaan Eebbe iyagoo u kali-yeeli cibaadada, markuu u-koriyo [oo geeyo] barrigana [dhulkana] markaasay u shariik yeelaan [wax la caabudaan].
  3. Si ay uga gaaloobaan waxaan siinnay uguna raaxaystaan, wayse ogaan doonaan [cidhibteeda].
  4. Miyeyna arkeyn gaaladii [Qureysheed] inaan yeeley [dajinney] xaram aamin ah oo la dafayo dadka dhinacyadooda ah, ma baadil bay rumeyn oo nicmada Eebbay ka gaaloobi?
  5. Cidna kama dulmi badna ruux ku been-abuurtay Eebbe korkiisa ama beeniyey Xaqa markuu u-yimid, miyeyna ahayn Jahannamo hoyga gaalada?
  6. Kuwa ku jahaaday dartanno waxaanu ku hanuunin Jidkannaga, Eebbana wuxuu la jiraa kuwa wanaagga fala.

 

Nolosha adduunyo waa uun ciyaar oo kale, raaxadeeduna waa uun muddo yar Aakharaase nolal dhab ahi jirtaa, waase inaan laysku halmaamin adduunka Aakhirana laga jeedsanin, shaqada xalaasha ahse waa waajib leyska abaal-marin. Waxaa kamid ah caadada dadka in markay dhib la kulmaan sida markay badda ku safraan ama meelaha kalaba ay Eebbe isu dulleeyaan, markuu dhibkii ka saarana ay kuwo badan gaaloobaan kana jeedsadaan. Waxaa kale oo Eebbe ku mannaystay kuwii reer Makkaad inuu dajiyey xaram aamin ah oo dadka gaararkooda ahna la wax-yeelleeyo, mase habboona iney xumaan rumeeyaan Xaqana ka gaaloobaan. Cid ka dulmi badanna ma jirto ruux ku been-abuurtay Eebbe ama Xaqa beeniyey, Jahannamana waa xerada gaalada. Kuwase u-jahaada dar Eebbe wuu hanuunin Eebbe una gargaari. Taasina waxay ku tusin ahmiyada jahaadka iyo sharaftiisa. Al-Cankabuut (64-69)

 

Suurat ar-Ruum

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Alif. Laam. Miim. [Waxay ku tusin mucjizada Qur’aanka sidii soo hor-martay.]
  2. Waxaa lagaga adkaaday Ruum
  3. Dhulkii dhawaa, intii laga adkaaday kadibna way adkaan.
  4. Dhawr sano dhexdeed, amarkana Eebbaa iska leh horey iyo dibba, maalintaasayna ku farxi mu‘miniintu.
  5. Gargaarka Eebbe, wuxuuna u-gargaari cidduu doono, waana adkaade naxariista ah.
  6. Waa yabooha Eebbe, mana baajiyo Eebbe yaboohiisa, laakiin dadka badankiisu ma oga.
  7. Waxay yaqaannaan dadku muuqaalka nolosha adduunyo Aakhirose way halmaansan yihiin [ka jaahil yihiin].
  8. Miyeyna ka fikirin naftooda inuusan Eebbe samaawaadka iyo dhulka iyo waxa u-dhexeeya u-abuurin waxaan xaq iyo muddo magacaaban ahayn, wax badan oo dadka kamid ahna waxay ka gaaloobi la-kulanka Eebbahood.

 

Suuraddan waxay soo dagtay markay is-laayeen reer Ruum oo ehlu-Kitaab ahaa iyo reer Furus oo Majuusi [diinlaawe] ahaa, markaasna laga adkaaday reer Ruum, kadibna gaaladii farxeen oo dheheen “Waxaanu ka adkaan Muslimiinta,” laakiin sida Eebbe sheegay Ruum baa adkaatay muddo yar kadib, si mu‘miniintu ugu faraxdo gargaarka Eebbe, iyo cidduu wax u-yabooho uusan ka baajineynin, gaalase waxay awooddoodii isugu geeyeen nolosha adduun Aakhirana way ka jeedsadeen, mana fikirin inaan Eebbe ciyaar u-abuurin khalqigiisa. Calaa binu Zubayr wuxuu ka wariyey aabbihiis inuu yidhi, “Waxaan arkay Faaris oo Ruum ka adkaatay iyo Ruumoo Faaris ka adkaatay, kadibna waxaan arkay Muslimiintoo ka adkaatay Faaris iyo Ruumba dhammaanna waxay ahaayeen dhawr-iyo-toban sano dhexdeed.” Ibnu Kathiir. Ar-Ruum (1-8)

 

  1. Miyeyna ku soconin dhulka oy eegan siday ahaatay cidhibtii kuwii ka horreeyey [gaaladii Makkaad] waxay ahaayeen kuwo ka daran iyaga kana xoog badan, dhulkana way beerteen wayna dhiseen dhulka intay dhiseen wax ka badan. Waxayna ula timid Rasuulladoodii xujooyin, Eebbana ma aha mid wax dulmiya, laakiin iyagaa naftooda dulmiyey.
  2. Markaasay noqotay cidhibtii kuwii xumaanta falay, xumaan iyo [Jahannamo] beenintay aayadaha Eebbe beeniyeen darteed, waxayna ahaayeen kuwo aayadaha ku jeesjeesa.
  3. Eebbaa billaabay [abuurka] khalqiga isagaana soo celin, xaggiisaana laydiin celin.
  4. Maalintay kici Saacaddu [Qiyaamadu] way aamusi dambiilayaashu [ooy quusan].
  5. Ugumana sugnaanin kuway Eebbe la-wadajiyeen [cibaadada] shafeeco waxayna noqon kuwo diida shurakadoodii.
  6. Maalintay kici Saacaddu waa maalin ay kala-tagi dadku.
  7. Kuwa rumeeyey [Xaqa] oo camal fiican falay beer Janno yaa lagu farax-galiyaa.
  8. Kuwa gaaloobayse oo beeniyey aayaadkannaga iyo la-kulanka Aakhiro kuwaas waxaa lagu kulmin cadaabka.

 

Aayadahan wuxuu Eebbe ku hanuunin in dadku dhulka ku socdaan, si ay u-arkaan qudrada Eebbe iyo awooddiisa, iyo inay arkaan raadkii ummadihii hore ee la abaal-mariyey markay Xaqii beeniyeen iyo in ciddii xumaan fasha cidhibteedu noqon in xumaan lagu abaal-mariyo. Tan kale waxay dadku noqon maalintaas Qiyaame laba kooxood, Xaq-raacayaal Janno gali, iyo Xaq-diidayaal Naar u-dheelman. Qataadana wuxuu yidhi, “Wallee waa kala-tag aan kulan ka dambayn.” Ar-Ruum (9-16)

 

  1. Eebbaa nazahan [ceeb ka fog] markaad galabaysanaysaan iyo markaad waabariisanaysaan.
  2. Mahadna isagaa ku leh samooyinka iyo dhulka dhexdooda iyo habeenkii iyo duhurkiiba.
  3. Kana soo-bixiya wax nool wax dhintay wax dhintayna wax nool, nooleeyana dhulka intuu dhintay kadib, saasaana laydiin soo bixin.
  4. Waxaana kamid ah calaamooyinkiisa inuu idinka abuuray carro markaasaad noqoteen dad dhaqdhaqaaqi [faafi].
  5. Waxaa kamid ah calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray naftiina haween si aad isugu xasishaan, yeelayna dhexdiinna is-jacayl iyo naxariis, taasina waxaa ugu sugan calaamad qawmkii fikiri.

 

Aayadahan waxay inagu hanuunin inaan Eebbe u-tasbiixsanno xumaantana ka nazahno waqti walba, illeen isagaana awood leh oo wax walba abuuraye, dadkana soo bixin doonee, waxaana kamid ah aayaadka jiritaanka Eebbe iyo awooddiisa ku tusin inuu dadka carro ka abuuray, rag iyo haweenna ka dhigay si ay isu guursadaan oo isula nagaadaan iyaga oo naxariis iyo jacayl dhex yaallo. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbe wuxuu ka abuuray Aadam dhulka oo dhan wax kamid ah, markaasuu noqday bani-Aadamkii sida dhulka, waxaa kamid ah mid cad, mid cas, mid madow iyo mid u-dhexeeya, iyo mid xun iyo mid flican iyo mid fudud, iyo mid adag iyo mid u-dhexeeya.” Waxaa wariyey Axmed iyo kuwo kale. Ar-Ruum (17-21)

 

  1. Waxaa kamid ah aayaadka ku tusin [qudrada] Eebbe samooyinka uu abuuray iyo dhulka iyo kala-duwanaanta afkiinna [luuqadda] iyo midabkiinnaba, taasina calaamad yaa ugu sugan kuwa cilmiga leh.
  2. Waxaa kamid ah aayadka ku tusin [qudrada] Eebbe hurdadiinna habeenkii iyo maalintii iyo doonidiinna fadliga Eebbe, taasna calaamad yaa ugu sugan kuwa wax maqli.
  3. Waxaa kamid ah aayaadka ku tusin [qudrada] Eebbe hillaaca uu idin tusiyo, cabsi iyo doonid darteed, iyo samada uu idiinka soo dajiyo biyo, kuna nooleeyo dhulka intuu dhintay kadib, taasina calaamado yaa ugu sugan kuwa wax kasi.
  4. Waxaa kamid ah aayaadka ku tusin [qudrada] Eebbe inay samada iyo dhulku ku taagan yihiin amarka Eebbe, markuu dhulka idiinka yeedhana [soo-bixinta] aad durba soo baxdaan.

 

Wali waxay ka warrami aayaadku awoodda Eebbe iyo siduu u-abuuray cirka iyo dhulka, iyo siduu u kala duway hadalka iyo midabka banii-Aadamka, iyo siduu ugu sahlay hurdada si loogu nasto, kadibna khayrka Eebbe loo dalbo, waxyaalahaasna calaamad yaa ugu sugan ciddii wax garan ama maqli, sidaas oo kale waa kan Eebbe dadka tusiyo hillaaca cirkana roob ka keena dhulkana ku nooleeya, amarkiisuuna cirka iyo dhulka ku taagan yihiin, dadkana kasoo bixin doona dhulka Qiyaame darteed. Ar-Ruum (22-25)

 

  1. Eebbaa iska leh waxa samooyinka iyo dhulkaba ku sugan, isagayna u-khushuucaan [u-hoggaansamaan].
  2. Eebbe waa kan billaabay abuurka khalqiga, haddana soo-celin wayna u fududdahay arrintaasu, Eebbaana sifo sare ku muta samooyinka iyo dhulka, waana adkaade falsan.
  3. Eebbe wuxuu idiin yeeley tusaale naftiinna ah, waxaad hanataan miyey idin la wadaagaan wax laydinku arzuqay, ood si isku-mid ah u-maamulaysaan, ugana cabsanaysaan sidaad isaga cabsataan, saasuuna u-caddayn aayaadka ciddii wax kasi.
  4. Hase yeeshee waxay raaceen kuwii dulmilowga ahaa hawadooda iyagoon wax ogayn, yaa hanuunin kara ruux Eebbe dhumid u-qaddaray, wax u-gargaarana lahayn.

 

Wax walba awoodda Eebbe yey ku jirtaa, ama cir haku noolaado ama dhule, wax walbana Eebbaa abuuray u soona celin si fudud, amaan iyo sharaf sarana Eebbaa mudan, awood iyo xikmadna isagaa leh, wax maamulkiisa la wadaagana ma jiro, ruuxiise aqoon-la’aan hawadiisa iska-raaca oo dulmi fala yaa tusin oo u-gargaari Eebbe ka-sokow. Abuu Hureyra waxaa laga wariyey in Rasuulku yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) “Eebbe wuxuu yidhi, ‘Waxaa i beeniyey ina-Aadam umana habboona, wuuna i caayey umana habboona…’” Ar-Ruum (26-29)

 

  1. Ee wajigaaga u-jeedi Diinta adoo toosan [Diintu] waa abuuridda Eebbe ee dadka uu ku abuuray, wax baddali kara abuurka Eebbena ma jiro, saasina waa Diinta toosan laakiin dadka badidiis ma oga.
  2. Idinkoo Eebbe u-noqon, kana yaaba, salaaddana ooga, gaaladana haka mid noqonina.
  3. Ee diintooda ku kala-tagay noqdayna kooxo xizbi walba uu ku farxi waxa agtiisa ah.
  4. Hadduu dadka taabto dhib waxay baryaan Eebbahood iyagoo u noqon, markuuse dhadhansiiyo naxariis qayb iyaga kamid ah waxay wax la-wadaajiyaan Eebbahood.
  5. Si ay uga gaaloobaan waxaan siinney, iska-raaxaysta, waadna ogaan doontaan cidhibta raaxadaasi.
  6. Mise waxaan kusoo dejinney xujo, oo ku hadli waxay Eebbe la wadaajin.

 

Diinta Islaamku waa Diin xaq ah, waana Diin waafaqsan abuuridda dadka iyo waxa wanaag ah ee ay dooni, wax ka hor-imaan karaana ama baddali karaana ma jiro, waxayna fari Eebbe adeecid, sida salaadda, zakada iyo isku-duubni iyo midnimo, iyo in Diintoo lagu kala-tago ay gaalnimo tahay, had iyo jeerna waa in Eebbe la xusuusnaado, dhib iyo barwaaqaba si aan nicmaddiisa looga gaaloobin xujo-la’aan, ruuxii gaalnimo ku raaxaystana wuxuu la kulmi ciqaab xun. Ar-Ruum (30-35)

 

  1. Haddaan dhadhansiino dadka naxariis way ku farxi [kibraan] hadduu dhibku dhacana waxay hor-marsadeen darteed way quustaan.
  2. Miyeyna arkayn in Eebbe u waasiciyo rizqiga cidduu doono, kuna cidhiidhyo [cidduu doono] arrintaasna calaamooyin baa ugu sugan kuwa rumeyn [Xaqa].
  3. Ee qaraabada sii xaqeeda iyo miskiinka iyo musaafurka, saasaa u khayr-roon kuwa dooni wajiga Eebbe, [u-dhawaanshahiisa] kuwaasina waa kuwa liibaanay.
  4. Waxaad bixisaan oo ribo ah si aad uga badsataan xoolaha dadka ma badnaado Eebbe agtiisa, wixiise aad bixisaan oo zako [xalaal ah] idinkoo ku dooni wajiga Eebbe kuwaas waa loo laablaabi.

 

Sida marar badan soo martay waa in Eebbe had iyo jeer lagu xidhnaado lana xuso dhib iyo barwaaqaba, aan lana kibrin lana quusan illeen saasi waa xikmad Eebbe, qaraabada, masaakiinta, musaafuriinta iyo dadka goomoon oo dhanna loogu samo-falo, Eebbe dartiis si loo liibaano, ribada, damaca xoolaha dadka iyo xoola-jacaylka darana layska jiro, lana sadaqaysto xoolo xalaal ah, si Eebbe agtiisa loogu liibaano. Ar-Ruum (36-39)

 

  1. Eebbe waa kan idin abuuray haddana idin arzaaqay haddana idin dili, haddana idin soo noolayn, ma jiraa shurakadiina mid fali sidaas wax kamid ah? Eebbaa ka nazahanna kana sarreeya waxay la wadaajin.
  2. Xumaan baa ka daahirtay barri iyo badba, waxay kasbatay gacmo dad dartiis, si Eebbe u-dhadhansiiyo waxay camal-faleen qaarkiis, inay noqdaan.
  3. Waxaad dhahdaa, “Ku socda dhulka fiiriyana siday noqotay cidhibtii kuwii hore, wuxuu ahaa badankoodu mushrikiin.”
  4. Ee wajigaaga Diinta toosani [Islaamka] u-jeedi, maalin aan la celin karin kahor, Eebbe xaggiisana ka iman, maalintaas dadku way kala-tagi.
  5. Ruuxii gaalooba isagay [dhibi] gaalnimadiisu, ruuxii camal wanaagsan fala naftiisa yuu u-goglay.
  6. Si Eebbe u abaal-mariyo kuwa rumeeyey Xaqa oo camal wanaagsan falay fadligiisa, Eebbana ma jecla gaalo.

 

Eebbe isagaa wax abuuray, oo arzuqa, dili, soona noolayn, xumaanna waa ka fog yahay, dambiga iyo macaasidu waxay sababaan xumaanta dhulka iyo fasaadkiisa, dadkuna way dhadhamin xumaanta gacmahoodu kasbadeen, waase in la fikiro dhulkana la maro, Diinta toosan ee Islaamka ee Xaqa ahna lagu toosnaado, Qiyaame iyo xisaab iyo kala-tagid kahor, si xumaanlowgana xumaantiisa looga abaal-mariyo, wanaaglowgana samihiisa laga abaal-mariyo, Eebbana ma jeclo gaal iyo xuma-fale, wuxuuse jecel yahay mu‘miniinta Xaqa raacda, waxaa sugnaaday in dadka, dhulka geedaha iyo xooluhuba ka istareexaan geerida kuwa xun xun. Ar-Ruum (40-45)

 

  1. Calaamaadka Eebbe ku tusin waxaa kamid ah inuu dabaylaha diro iyagoo ku bishaarayn [roob] iyo in Eebbe idin dhadhansiiyo naxariistiisa iyo in doontu ku socoto amarkiisa iyo inaad dalabtaan fadligiisa, markaas aad Eebbe ku mahdisaan.
  2. Waxaan dhab ahaan ugu diray hortaa Rasuullo qawmkoodii, waxayna ula yimaadeen xujooyin waana ka aarsannay kuwii dambi falay. Waxaana korkannaga ah u-gargaarka mu’miniinta.
  3. Eebbe waa kan diray dabaylaha oo markaas kicisa daruuro kuna fidiya samada, siduu doono kana yeela goosimo aad aragtid roobka oo kasoo bixi dhexdeeda, markaasuu Eebbe roobka siiyaa cidduu doono oo addoomadiisa kamid ahna markaasay bishaaraystaan.
  4. Waxayna ahaayeen soo-dajinta roobka kahor kuwo quusan.
  5. Ee day naxariista Eebbe raadkeeda sida Eebbe ugu nooleeyo dhulka intuu dhintay kadib Eebbaha wuxuu nooleeyaa wixii dhintay wax walbana waa arkaa.

 

Roobka iyo naxariista Eebbaa keena, si uu ugu nooleeyo addoomadiisa iyo dhulka ay ku nool yihiin korkiisa, waana kan Rasuullo badan u-diray ummadihii hore iyagoo Xaq wata kuwii beeniyeyna looga aarsaday, Eebbe waa u-gargaare mu‘miniinta Xaqa ah, keenidda roobka lagu farxina waxay ku tusin awoodda Eebbe iyo inuu wax walba karo. Ar-Ruum (46-50)

 

  1. Haddaan ku diro dabaylo [daran] beertooda ay arkaan iyadoo doorsoon, waxay markaas kadib noqdaan kuwo gaalooba.
  2. Adigu wax ma maqashiin kartid kuwo dhintay, mid dhaga-la’ oo jeedsadayna wax ma maqashiin kartid.
  3. Ruux indha-la‘na baadi kama hanuunin kartid, ma maqashiin kartid [Xaqa] ruuxaan rumeynin aayaadkannaga oo Muslimiin ahayn.
  4. Eebbe waa kan idin ka abuuray tabar-yare, haddana idin ka yeelay tabar-yare kadib xoog, haddana xoog dabadi idinka yeelay tabar-yari iyo gabow. Wuxuu doono yuu abuuraa, waana wax walba oge, wax walba kare [oo uu doono].

 

Dabayshu waa qayb kamid ah khalqiga Eebbe, waxna Eebbe waa ku anfacaa, marmarna waxay dhibtaa si loogu edbiyo kuwa leexday, inse la gaaloobo ma aha hadday dhibaato keento, Xaq-diiddana Eebbe uun baa hanuunin kara ama muslimin kara, illeen Eebbaa dadka mariya marxalado kala duwan, sida tabar-yarida, xoogga duqnimada iyo geeridaba, maxaa yeeley ogaansho iyo awoodba isagay ku dhammaadaan. Ar-Ruum (51-54)

 

  1. Maalinta Qiyaamadu kacdo waxay ku dhaartaan dambiilayaashu inayan nagaanin saacad mooyee, saasaana [Xaqa] looga leexiyey.
  2. Kuwii waxay dheheen cilmiga iyo iimaanka la siiyey, “Waad ku nagaateen qadarka Eebbe tan iyo maalinta soo-bixinta, kanna waa maalintii soo-bixinta, laakiin waxaad ahaydeen kuwo aan ogayn.”
  3. Maanta [Qiyaamada] ma anfacdo kuwii dulmiga falay cudur-daar iyo tawbad-keen.
  4. Dhab ahaan baan ugu caddaynay dadka Qur’aankan dhexdiisa tusaale kasta, haddaadna ula timaaddo aayad waxay dhihi kuwii gaaloobay, “Waxaan baadil [xumaan] ahayn kuma sugnidin.”
  5. Saasaa Eebbe u-daboolaa quluubta kuwan wax ogayn [wax anfaca].
  6. Ee samir yabooha Eebbe waa Xaq ee, yeyna ku fududayn kuwaan yaqiinsanayn [Xaqa].

 

Saacadda Qiyaame waa arrin daran oo culus, gaalada dambiilayaasha ahna waqtigu wuu ka qasmi, waxayna ku dhaaran dhibaatada darteed inayan adduunkii ku nagaanin saacad wax ka badan, taasna waxay ku tusin inaan nicmada adduun iyo noloshiisa wax u-tarayn ruuxii dhuma, mu‘miniintase waa u xisaaban yahay waqtigu, calaacalna wax ma taro Qiyaame, illeen Qur’aankaa Eebbe wax walba ku caddeeyaye, madax-adayg iyo Xaq-diidna waa dabeecadda gaalada, ee Xaqa ku samra una adkaysta, gaalana yeyna idin dhumin. Ar-Ruum (55-60)

 

Suurat Luqmaan

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Alif. Laam. Miim. [Waxay ku tusin mucjizada Qur’aanka sida soo hormartay].
  2. Tan waa aayaadka Kitaabka [Qur’aanka] xikmadda leh.
  3. Waana hanuunka iyo naxariista sama-falayaasha.
  4. Kuwa salaadda ooga, zakadana bixiya, iyagoo Aakhiro yaqiinsan.
  5. Kuwaasi waxay ku sugan yihiin hanuun Eebbe, kuwaasina waa kuwa liibaanay.
  6. Dadka waxaa kamid ah kuwo gadan hadal wax shuqliya si uu uga dhumiyo [dadka] Jidka Eebbe iyagoon wax ogayn, Jidka Eebbena ku jeesjeesa, kuwaasi waxay mudan cadaab dulleeya.
  7. Marka lagu akhriyo aayaadkannaga wuu jeedsadaa isagoo is-kibrin, sidii isagoon maqal, oo dhagihiisu culus yihiin, ugu bishaaree cadaab daran.

 

Macnaha aayadahan oo kale waxaa ka hadasha Suuratul Baqara oo ah in Qur’aanku hanuun iyo naxariis u yahay sama-falayaasha, wanaagga falay oo shareecada raacay, salaaddana oogay, zakadana bixiyey, Aakhirana yiqiinsaday, kuwaasna waxaa u-dambeyn liibaan, kuwaas ka leexday Jidka Toosan, hadallada wax shuqliyana soo gata, Xaqana ku jeesjeesa, marka Qur’aanka lagu akhriyana jeedsada oo is-kibriya sidii isaga oon maqal oo dhaga-la’ waxay mudan kuwaasu cadaab wax dulleeya oo daran. Cabdullaahi ibnu Mascuud wuxuu yidhi, “Eebbaha isaga mooyee aan ilaah kale (xaq lagu caabudo) jirin baan ku dhaaran hadalka wax shuqliya waa heesta.” Xasan al-Basrina saasoo kaluu yidhi waa heesta iyo durbaanka. Luqmaan (1-7)

 

  1. Kuwa rumeeyey [Xaqa] camal wanaagsanna falay waxay mudan Jannatu Naciima.
  2. Iyagoo ku waari dhexdeeda waana yabooh Eebbe oo Xaq ah, Eebbana waa adkaade falsan.
  3. Isagaa abuuray samooyinka tiir aad aragtaan la‘aantiis, dhulkana wuxuu ku tuuray buuro [suga] inayan dhaqdhaqaaqin, wuxuuna ku fidiyey dhexdiisa daabbad kasta, samadana waxaan kasoo dejinnay biyo, waxaana kusoo bixinnay nooc kasta oo quruxsan.
  4. Kaasi waa abuurkii Eebbe ee i tusiya waxay abuureen kuwa kasoo hadhay Eebbe. Saas ma aha, ee dulmi-falayaashu waxay ku sugan yihiin baadi cad.

 

Kuwa liibaanay Aakhiro waxaa kamid ah kuwa Eebbe iyo Rasuulladiisa rumeeyey, camallada wanaagsan ee shareecada waafaqsanna la yimaada, markaasuu Eebbe ku baraarujiyey qudradiisa siduu cirka u kor-yeelay tiir aan aragno la‘aantiis, dhulkana uu buuro ugu sugay, wax kasta oo noola ugu beeray oo dhulka ku socda, cirkana biyo wax walba ku bixiyo kasoo dajiyey, waana kaas abuurka Eebbe ee maxay abuureen waxyaalaha kale ee la caabudo Eebbe ka-sokow? Ma jiro waxay abuureen ee ka caabudi yaa baadil cad ku sugan. Luqmaan (8-11)

 

  1. Dhab ahaan ayaan Luqmaan u-siinnay xikmad iyo inuu Eebbe ku mahdiyo, ruuxii mahdiya wuxuu uun u-mahdiyey naftiisa, ruuxii gaaloobana Eebbe waa ka kaaftoon yahay waana amaanan yahay.
  2. [Xusuuso] markuu ku yidhi Luqmaan wiilkiisa isagoo waanin, “Wiilkayow Eebbe haw shariik yeelin, shirkigu waa dulmi weyne.”
  3. Waxaan u dardaarannay dadka labadiisii waalid, way sidday hooyadiis iyadoo tabar-yar tabar-yari kalana ku sugan, gudhidiisuna waa labo sano ee ku mahadi Ani iyo labadaadii waalid, xaggaygaana loo ahaan.
  4. Hadday kugula dadaalaan [labada waalid] inaad ii shariik-yeesho [ila wadaajiso] waxaadan aqoon u-lahayn haku adeecin kulana noolow adduunka si fiican, raacna jidka kuwa ii noqda, xaggayga yaa laydiin soo celin waxaana idiinka warrami waxaad camal-fali jirteen.

 

Luqmaan wuxuu ahaa nin suubban oo ummadihii hore kamid ah, Eebbana siiyey cilmi naafic ah, iyo caqli toosan, Eebbana ku mahdin jiray, wiilkiisana wuxuu u-dardaarmay dardaaran kii u fiicnaa oo ah inuu Eebbe kaliya caabudo, labada waalidna wanaag u-falo, gaar ahaan hooyada usoo martay dhib daran uur iyo nuujinba, waxaa kaloos u-dardaarmay in gaalimadu tahay dulmiga ugu wayn. Mahadda Eebbe iyo kan labada waalid, xumaantoon lagu adeecin iyo gaalnimada, in wanaag lagula noolaado, Eebbe Jidkiisana lagu toosnaado, loona tawbad-keeno, dhammaan waa waxyaalaha lays faray. Mucaad binu Jabal yaa is-taagay isagoo khudbad akhrin wuxuuna ku mahdiyey Eebbe oo amaanay markaasuu ku yidhi, “Anigu waxaan ahay Rasuulkii Eebbe miduu ugu soo diray xaggiina inaad Eebbe caabuddaan, waxna la wadaajinin, inaad i adeecdaan idinka hagran mahayo khayre, xagga Eebbaa loo ahaane Janno ama Naare, waa nagaadi aan geedi lahayn, iyo waarid aan geeri lahayn.” Waxaa wariyey Ibnu Abii Xaatim. Luqmaan (12-15)

 

  1. “Wiilkayow hadday xumaantu tahay xabbad khardal ah oo kale [wax yar] oo sallax dhexdii ku sugnaato ama samooyinka dhexdooda ama dhulka dhexdiisa wuu keeni Eebbe, Eebbana waa oge xeel dheer.”
  2. “Wiilkayow oog salaadda, oo far wanaagga oo reeb waxa la naco kuna samir waxa ku gaadha, arrintaasu waxay kamid tahay umuuraha wanaagsane.”
  3. “Hana ka jeedin wajiga dadka hana ugu socon dhulka kibir, Eebbana ma jecla mid kastoo isla-weyn oo faan badane.”
  4. “Socodkaagana ku dhexdhexayso, hoosna u-dhig codkaaga, cod waxaa ugu xun codka dameerahee.”
  5. Miyeydaan arkayn in Eebbe idiin sakhiray waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan oo idin huwiyey nicmadiisa mid muuqata iyo mid qarsoonba? Dadkana waxaa kamid ah kuwo Eebbe ku murmi cilmi iyo hanuun iyo Kitaab nuuriya la‘aantiis.
  6. Marka loo dhaho, “Raaca waxa Eebbe soo dajiyeyna,” waxay dhahaan, “Waxaannu raaci waxaan ka helay aabbayaalkanno.” Hadduu Shaydaan ugu yeedho cadaabka Saciirana [miyey raaci]?

 

Wax kastoo ruuxu falo haba yaraadee Eebbe waa ogyahay meel kaste haku jiree, dhagax, cir ama dhulba. Salaadda oo la oogo, wanaaggoo la faro dadka, xumaanta oo laga reebo, dhibka oo loo adkeysto, dadkoo si fiican loo qaabilo, dhulkoo si fiican loogu socdo, codkoo hoos loo dhigo iyo kibirkoo laga tagana waa wanaagga Diinta Islaamku farayso Luqmaanna wiilkiisa u-dardaarmey. Eebbana wuu u-nicmeeyey dadka, mana habboona muran Xaq-darro iyo raacid dad kale oo dhunsanaa iyo yeedhida Shaydaan. Eebbana wuu muujin wax kastoo la falo meel kastoo lagu falo Nabigaa yidhi macnahaas oo kale. Luqmaan (16-21)

 

  1. Ruuxii u-jeediya wajigiisa xagga Eebbe isagoo samo-fali wuxuu qabsaday guntin [ballan adag], xagga Eebbaana cidhibta arrimuhu u-noqon.
  2. Ciddiise gaalowda yuuna ku walbahaar-galin gaalnimadiisu, xagganagay usoo noqon waxaana uga warramaynaa waxay camal-fali jireen, illeen Eebbaa og waxa laabta ku sugane.
  3. Waannu u-raaxayn wax yar, markaasaannu u-dhibaatayn [u-iili] cadaab adag.
  4. Haddaad waydiisid, “Yaa abuuray samooyinka iyo dhulka?” waxay odhan “Ilaahay.” Waxaad dhahdaa, “Mahad Eebbaa iska leh,” badankoodse ma oga.
  5. Eebbaa iska leh waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, Eebbana waa hodan amaanan.

 

Ciddii Eebbe u-hoggaansanta wuxuu farayna yeesha oo wanaagsanaata wuxuu ku liibaani ballan adag iyo qabsasho xadhiga Eebbe, ruuxiise gaalooba isaga un baa is-dhibay, Eebbana wuu sugi muddo yar wuxuuna ku abaal-marin cadaab adag. Inkastoy gaaladu Eebbe diidi xagga daahirka haddana way ogyihiin in isagu abuuray cirka iyo dhulka. Mahadna Eebbaa iska leh iyo xukunka cirka iyo dhulka waana hodan ammaan mutay. Luqmaan (22-26)

 

  1. Hadday waxa dhulka ku sugan oo geeda ah qalimo noqdaan badduna khadayso oo gadaasheeda toddobo badood yihiin ma dhamaateen kalimooyinka Eebbe, Eebbana waa adkaade falsan.
  2. Abuurkiinna iyo soo-bixintiinnu ma aha sida naf kaliya mooyee [fudaydka], Eebbana waa maqle arke ah.
  3. Miyeydaan ogayn in Eebbe habeenka dhex-galiyo maalinta, maalintana dhex-galiyo habeenka sakhirayna qorraxda iyo dayaxa mid kastana uu u-socdo muddo magacaaban? Eebbana waxaad camal-falaysaan waa ogyahay.
  4. Taasna wa in Eebbe Xaq yahay, waxay caabudi ee kasoo hadhayna baadil yahay iyo in Eebbe yahay Sarreeye Wayn.
  5. Miyeydaan ogayn in doontu dhex-socoto badda nicmada Eebbe darteed si uu idiin tusiyo aayaadkiisa? Arrintaasna aayaad baa ugu sugan samir-badane shukri badan oo dhan.
  6. Marka hirku daboolo dadka oo hoos la moodo waxay baryaan Eebbe iyagoo u kali-yeeli diinta [cibaadada] markuu u-koriyo xagga barrigana waxaa kamid noqon dadka mid dhexdhexeysan, mana diido aayaadkannaga mid khaa‘in ah oo gaalimo badan mooyee.

 

Cilmiga Ilaahay waa waasac, haddii geedaha qalin laga dhigo, badahana anqaas ma dhammaado cilmigiisu, Eebbana waa u-fududdahay abuuridda iyo soo-bixintuba, waana Eebbaha nusqaamiya habeenka iyo dharaartana, sakhirayna qorraxda iyo dayaxaba inta muddadoodii laga gaadhi. Waana Eebbaha Xaqa ah waxa kasoo hadhay ee la caabudana wax ka jirin ee Sarreeye Weyn ah, dadkana u-sahlay markabka badda dhex-socda, si ay ugu mahdiyaan nicmadiisa, markey badda marina Eebbey baryaan gaaladu, markey nabad-galaanna way jeedsadaan. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Eebbow ma koobna amaantaadu ee waa saad adigu isu-amaantay.” Luqmaan (27-32)

 

  1. Dadow ka dhawrsada Eebbihiin oo ka cabsada maalin uusan ka abaal-marinayn waalid ilmihiisa, ilmuhuna waalidka waxba, yabooha Eebbana waa Xaq, ee yeyna idinku dhagrin nolosha adduunyo, yuuna idinku dhagrin Eebbe dhagar-badane [Shaydaan].
  2. Eebbe agtiisuu yahay ogaanshaha Saacadda [Qiyaame] iyo roob-di‘iddu, wuxuuna ogyahay waxa makaanka [ilma-galeenka] ku sugan, nafna ma oga waxay mudan barri, nafna ma oga dhulkay ku dhiman, Eebbaa og xeelna dheer.

 

Dhab ahaan nolosha adduun waa dhalanteed, ruuxu suu doono ha ugu raaxaystee, ciddii caqli lehna waa inay camal-fashaa ayna dhagraminna, maxaa yeelay waxaa imaan maalin cidna cid kale ayan wax u-tarayn, xataa labada is-dhashayba ha ahaatee. Qiyaamadu markay dhici, roobku markuu di‘i iyo waxa uurka ku jiraba Eebbaa og, nafna ma oga waxay mudan barri iyo halkey ku dhiman midna, Eebbe un baa og. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Shan Ilaahay un baa og: Saacadda Qiyaame, roob kolkuu imaan, waxa uurka ku jira, nafi waxay mudan waqtiga soo socda iyo nafi meeley ku dhiman.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Axmed. Waxa kalase ee la-sheegsheego waa male iyo war. Cilmiga dhabta ahse Eebbe agtiisuu jiraa. Luqmaan (33-34)

 

Suurat As-Sajdah

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Alif. Laam. Miim. [Waxay ku tusin mucjisada Qur’aanka.]
  2. Soo-dajinta Qur’aanka shaki kuma jiro, wuxuuna kasoo dagay Eebbaha caalamka xaggiisa.
  3. Mise waxay dhihi, “Waxaa been-abuurtay [Nabiga],” saas ma aha ee waa Xaq Qur’aanku Eebbahaa xaggiisa ka yimid si aad ugu digtid qawm uusan u-imaanin dige kaa horreeya, si ay u hanuunaan.
  4. Eebbe waa kan ku abuuray samooyinka, iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya lix maalmood dhexdeed, markaasna ku istawooday Carshiga [si u-cunanta] idiinmana sugnaanin Eebbe ka-sokow wali [gargaare] iyo shafeece midna, ee miyeydaan wax xusuusanayn.
  5. Amarka Eebbaa ka maamula samada xagga dhulka markaasaa amarkaasi xagga Eebbe u koraa maalin qadarkeedu yahay kun sano oo waxaad tirinaysaan ah.
  6. Kaasina waa Eebbaha og wax maqan iyo waxa joogaba, ee adkaada ee naxariista.

 

Eebbe wuxuu halkan ku sheegay inuu Qur’aanku kasoo dagay xagga Eebbe, wax shaki ahna ku jirin, wax Nabiga Muxamed ah jeebkiisa kala yimidna ahayn, si loogu digo dad jaahiliin ah oon hadda kahor wax u diga helin, waxaa kalooy aayaduhu caddayn inuu Ilaahay ku abuuray wax walba lix maalmood, wax Eebbe kasoo hadhay oo wax anfici karaana uusan jirin idan Eebbe la’aantiis, wax walbana isagaa maamula, wax walbana waa ogyahay. As-Sajdah (1-6)

* Ku-ekaansho u-qalanta annagoo sugeyno in Alle Carshigiisa ka sarreeyo sida kusoo noqnoqotay Qur’aanka tilmaamaha Alle waa isku-mid isku waddana mari, qaarna ha awilin qaarna ha sugin.

 

  1. Eebbaa wanaajiyey abuuridda wax kasta, wuxuuna ka billaabay abuuridda dadka dhoobo, [Nabigii Aadam ahaa].
  2. Markaas ka yeelay faraciisii mid kasoo taxma biyo tabar yar.
  3. Markaas ekeeyey oo ruuxdiisa ku afuufay idiinna yeelay maqal, aragyaal iyo quluubba, wax yar baadse Eebbe ku mahdisaan.
  4. Waxay dheheen gaaladii, “Ma markaan ku dhex lunno dhulka [geeriyoonno] yaa abuurid cusub nala abuuri?” Saas ma aha ee iyagu la-kulanka Eebbahood bay ka gaaloobeen.
  5. Waxaad dhahdaa, “Waxaa idin oofsan [dili] Malaga-Mawdka laydiin wakiishay markaasaa xagga Eebbihiin laydiin celin.”
  6. Haddaad arki lahayd marka dambiilayaashu madaxa hoos u dhigi [Qiyaamada] Eebbahood agtiisa [iyagoo dhihi] “Eebbahannow, waan aragnay waana maqalnay ee na celi si aan camal fiican u fallo waan yaqiininaye,” [waxaad arki lahayd wax yaab leh].
  7. Haddaan doonno waxaan siin lahayn [ku toosin lahayn] naf kasta hanuunkeeda hase yeeshee waxaa hor-maray hadalkaygii in laga buuxin Jahannamo jinni iyo insi dhammaan.
  8. Ee dhadhamiya halmaanshihiinii la-kulanka maalintiinnan [Qiyaame] annaguna waan idinka tagaynaa [maanta] ee dhadhamiya cadaabka waaridda camalkiinnii dartiis.

 

Wax walba Eebbaa abuuray, wanaajiyeyna abuurkiisa, Nabi Aadamna dhoobo ka abuuray faraciisana biyo ka ahaysiiyay, ruux, maqal, arag iyo caqlina u yeelay, laakiin dadku wax yar bay Eebbe ku mahdiyaan. Gaaladuna waxayba diidi soo-bixinta iyo la-kulanka Eebbahood, waxaase dhab ah inay dhiman Eebbana ay u noqon maalinta Qiyaame, iyagoo dullaysan oo madaxa raaricin, oo xumaan oo idil qirsan, Eebbaha ay warsan in adduunkii dib loogu celiyo si ay camal fiican u-falaan, hasa yeeshee calaacal wax uma taro maalintaas, cadaab iyo dulli joogta ah yayna la kulmi. Mujaahid wuxuu yidhi, “Malakul-Mawd waxaa loo koobay dhulka oo looga dhigay weel oo kale uu wax ka qaadan markuu rabo.” As-Sajdah (7-14)

 

  1. Waxaa uun rumayn aayaadkannaga kuwa marka lagu waaniyo aayadaha sujuud la dhaca kuna tasbiixsada mahadda Eebbahood iyagoon is-kibrinayn [isla-waynayn].
  2. Waxayna ka dheeraataa dhinacyadoodu jiifka iyagoo baryi Eebbahood cabsi iyo rajaynba waxaan ku arzuqnayna wax ka bixiya.
  3. Ma oga nafu waxa loo qariyay kuwaas oo indho ku qabowsadaan abaal-marin waxay camal-falayeen dartiis.
  4. Ruux mu‘min ah ma lamid baa mid faasiq ah? Ma eka.
  5. Kuwa rumeeyay [Xaqa] oo camal fiican falay waxay mudan Jannooyinka Ma‘waa martiqaad waxay camal falayeen dartiis.
  6. Kuwase faasiqoobay waxay ku hoyan Naar, markay doonaan inay ka baxaanna waa lagu celin dhexdeeda waxaana lagu dhihi, “Dhadhamiya cadaabka Naartii aad beenin jirteen.”
  7. Waxaana dhadhansiinaynaa cadaab hoose cadaab wayn ka-sokow inay noqdaan darteed.
  8. Yaa ka dulmi badan ruux lagu waaniyay aayaadka Eebbihiis oo ka jeedsaday xaggeeda? Annaguna dambiilayaasha waan ka aarsanaynaa.

 

Habeenka oo la cibaadaysto waxay sabab u noqotaa galidda Jannada Eebbe, iyadoo Eebbe laga cabsan lana rajayn, xoolahana wax laga bixiyo, kuwaasu wax wayn buu Eebbe u darbay. Abuu Hurayre waxaa laga wariyay in Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yidhi, “Eebbe wuxuu yidhi, ‘Addoomadayda wanaagsan waxaan u darbay waxaan lli arkin, dhagna maqlin, kuna soo dhicin qalbi dad.’ Wuxuuna akhriyay aayaddan. Waxaa sheegay Bukhaari iyo Muslim iyo kuwo kale. Mana sinna mu‘min wanaagsan iyo faasiq leexday, mu‘minku Jannuu gali, faasiqana waxaa lagu abaal-marin Naar, waxaana loosoo hor-mariyaa ciqaabo yar yar kahor mid wayn bal inay noqdaan. Dhabtuna waa inaan cidna ka dulmi badnayn ruux Qur’aanka lagu waaniyay oo ka jeedsaday, wuxuuna lamid noqon dambiilayaasha Eebbe ka aarsado. Qataade wuxuu yidhi, “Iska jira ka-jeedsashada xuska Eebbe, ruuxii ka jeedsada xuskiisa wuxuu kadsoomay kadsoomidda u-wayn, wuxuuna is-waysiiyay is-waysiin daran.” As-Sajdah (15-22)

 

  1. Dhab ahaan baan u-siinnay [Nabi] Muuse Kitaabkii [Tawreed] ee ha shakiyin la-kulankiisa waxaana ka yeelay Kitaabkaas hanuunka Banii-Israa‘iil.
  2. Waxaana ka yeelay qaar kamid ah imaamyo ku hanuuniya amarkannaga markay samreen, waxayna ahaayeen kuwa aayaadkannaga yaqiiniya.
  3. Eebbahaa baana kala-bixin dhexdooda maalinta Qiyaame waxay ahaayeen kuwo isku-diiddan.
  4. Miyayna ku hanuunin kuwaasi intaan halaagnay hortood oo quruun ah oy socon guryahoodii? Taasina waxaa ku sugan calaamado ee miyayna wax maqlaynin?
  5. Miyeyna arkeyn inaan usoo kaxayno biyaha dhul abaar ah oon markaas kusoo bixinno beero ay wax ka cunaan xoolahooda iyo naftooduba? Miyeyna wax arkaynin?
  6. Waxay dhihi, “Waa goorma kala-xukunku haddaad run sheegaysaan?”
  7. Waxaad dhahdaa, “Maalinta kala-xukunka gaalada ma anfaco iimaankoodu lamana sugo.”
  8. Ee isaga jeedso oo sug iyana ha sugeene.

 

Eebbe wuxu sheegay inuu diray Nabi Muuse oo siiyay Kitaabkii Tawreed, Nabigana wuxuu faray inuusan shakiyin la-kulankiisa, Kitaabkaasuna wuxuu hanuun u ahaa Banii-Israa‘iil oo qaar kamid ah imaamyo laga dhigay markay toosnaadeen. Eebbaana dadka kala-bixin Qiyaamada waxay isku diiddanaayeen adduunka, dadkuna waa inay ku waana-qaataan ummadihii ka horreeyey ee la halaagay iyo sida Eebbe u nooleeyo dhul dhintay oo abaaroobay uguna soo bixiyo cunno lagu noolaado. Tan kale ma habboona in la dadajisto imaatinka Saacadda Qiyaame, illeen markay timaaddo gaal wax uma taro rumayne, waxayna ku dhammaatay suuraddu in lala sugo gaalada abaalkooda. Sufyaan wuxuu yidhi, “Saasay noqdeen kuwaasi. Kumana habboona ruux inuu noqdo imaam lagu daydo intuusan adduunyada iska qabanin.” Mar la waydiiyay Sufyaan hadalkii Sayid Cali, “Samirku iimaanka wuxuu u yahay sida madaxu jidhka u yahay,” wuxuu yidhi, “Markay qabsadeen amarka madixiisii yey noqdeen madax.” As-Sajdah (23-30)

 

Suurat Al-Axzaab

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Nabiyow ka dhawrso [ka yaab] Eebbe hana adeecin gaalada iyo munaafiqiinta, Eebbana waa oge falsan.
  2. Raacna waxa lagaaga waxyoon xagga Eebbahaa, Eebbana waxaad camal-falaysaan waa ogyahay.
  3. Talana saaro Eebbe, Eebbaana ku filan wakiile.
  4. Ma yeelin Eebbe laba qalbi ruux laabtiis, mana yeelin haweenkiina aad dihaaraysaanna [ku dhaaranaysaanna] hooyooyinkiin oo kale, mana yeelin kuwaad sheegateenna carruurtiinna oo kale, taasi waa hadalka afkiinna uun Eebbana wuxuu sheegi xaqa, Isagaana ku hanuuniya Jidka [Toosan].
  5. Ugu yeedha kuwaas aabbayaalkood saasaa ku caddaalo badan Eebbe agtiise, haddaydaan aqoonin aabbayaalkoodna waa walaalihiinna Diinta iyo sokeeyihiinna, korkiinana dhib ma saarra waxaad ku gaftaan, hasa yeeshee waxay u kasto quluubtiinnu [yaa laydin waydiin] Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.

 

Suuraddan waxaa lagu magacaabaa Suuratul Axzaab, Eebbana wuxuu Nabiga Muxammad ah (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) u-dardaarmay cabsida Eebbe iyo inuusan adeecin gaalada iyo munaafiqiinta, raacana waxa Eebbe u waxyooday, talana saarto Eebbe isagaa ku filan wixii loo talo-saartee. Waxaana jirta inaan laabu laba qalbi lahayn. Haweenka lagu sheego inay hooyo lamid yihiinna hooya ma noqdaan, carruurtaad sheegataan idinkood dhalinna ilmihiinnii dhabta ahaa ma aha, ee waa in aabbahood loogu yeedho, haddaydaan aqoonna waa walaalihiinna Diinta Islaamka. Gafna Eebbe dadka uma qabto waxaase loo qabtaa wuxuu qalbigoodu u kaso. Nabigana (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbe Sarreeye wuxuu ummadda ka saamaxay gafka, halmaanka iyo waxa lagu qasbo.” Waxaa wariyey Bukhaari. Al-Axzaab (1-5)

 

  1. Nabigaa uga roon [turid badan] mu’miniinta naftooda, haweenkiisuna waa hooyooyinkood, qaraabaduna iyagaa qaarkoood qaarka kale kaga mudan Kitaabka Eebbe, mu’miniinta [kale] iyo muhaajiriinta, inaad wanaag u fashaan gargaarayaashiina mooyee, xukunkaasna wuxuu ku qoran yahay Kitaabka.
  2. [Xusuuso] markaan ka qaadnay Nabiyada ballankoodii iyo adiga iyo Nuux, Ibraahiim, Muuse iyo Ciise ibnu Maryam, oo ka qaadnay ballan adag.
  3. Si Eebbe u warsado kuwa runlayaasha ah runtooda, gaaladana wuxuu u-darbay cadaab daran.
  4. Kuwa [Xaqa] rumeeyow xusuusta Eebbe siduu idiinku nicmeeyey, markay junuud [askar] idiin timid markaas oon ku diray dabayl iyadoy aydaan arkayn, Eebbana waxaad camal-falaysaan waa arkaa.
  5. Xusuusta markay idinkaga yimaadeen kor iyo hoosba, indhuhuna iisheen quluubtuna dhuunta gaadhay Eebbana aad u maleyseen malooyin.

 

Nabiga rumeyntiisa iyo adeeciddiisa yaa mu‘miniinta uga xaq badan naftooda. Haweenka Nabigana waa hooyooyinka mu‘miniinta, qaraabaduna waxay mudan tahay dhawrid. Eebbe waxaa kale oo inoo caddeeyey inuu ballan adag ka qaaday Nabiyadii si ay Xaqa u gutaan, siiba Nabi Muxamad, Nuux, Ibraahiim, Muuse iyo Ciise, si ruuxa runlaha ah khayr loogu abaal-mariyo loona warsado, gaaladana loo ciqaabo, Eebbana mu‘miniintii reer Madiino ee Nabigu la noolaa wuxuu xusuusiyey dagalkii xizbiyadu ay dhan kastaba kaga yimaadeen Madiino oo aad loo cabsaday, indhuhuna taagmeen, wadnuhuna dhuunta yimid, Eebbana shar laga malaystay markaas dabayl iyo col aan la arkayn gaaladii Eebbe ku diray mu‘miniintiina u-gargaaray. Al-Axzaab (6-10)

 

  1. Halkaasaa lagu imtixaamay mu’miniinta gilgilid daranna lagu gilgilay.
  2. Markey munaafiqiintu lahaayeen iyo kuwa quluubta ka buka Eebbe iyo Rasuulkiisu waxaan dhagar ahayn nooma yaboohin.
  3. Markay qayb kamid ah lahayd reer Madiinow meel aad ku nagaataan [goobta] dagaalka ma jirto, ee noqda [xagga Madiino] koox iyaga kamid ahna waxay idan warsan Nabiga iyagoo dhihi guryihii baa naga dayacnaa, mana dayacna ee waxaan carar ahayn ma rabaan.
  4. Haddii loogu soo galo magaalada dhan kasto, markaas la warsado gaalnimo way la imaan lahaayeen, waxaan wax yar ahaynse kuma dhex nagaadeen.
  5. Horay waxay ugu ballantameen inayan cararin, ballanka Eebbana waa lays warsan.
  6. Waxaad dhahdaa carar aad geeri ka carartaan ama dil wax idiinma taro wax yar waxaan ahayna laydiin ku raaxeyn maayo [adduunka].
  7. Dheh, “Yaa idinka ilaalin Eebbe hadduu dhib idiin la doono, ama naxariis, wax Eebbe kasoo hadhay oo sokeeya ama gargaare ahna heli meysaan.”

 

Sida dhabta ahna waa la imtixaanay mu‘miniinta kuwii niyadda ka bukayna waxay muujiyeen in Eebbe lyo Rasuulkiisu khiyaameen, waxayna ka codsadeen saaxiibbadood inay goobta dagaalka iskaga baxaan kuna noqdaan magaalada Madiino oo Muslimiintu daafacayeen, qaar kamid ahna Nabigay fasax warsadeen iyagoo sheegi in guryuhu ka dayacan yihiin, dhab ahaanna waxay dooni carar, haddii loo soo galo oo gaalooba la-dhahana way oggolaan, maxayse nolol adduun taraysaa yaase Eebbe ka celin ciddii burisa ballaankiisa, carar miyaase wax tari ciddeese Eebbe ka-sokow khayr iyo dhib karta, yaase gargaare ah Eebbe mooyee? Al-Axzaab (11-17)

 

  1. Dhab ahaan yaa Eebbe u ogyahay kuwa reebayaalka ah [ku cabsiinta dagaalka] oo idin kamid ah iyo kuwa ku dhaha walaalahooda [munaafiqiinta ah] noo imaadda dagaalkana ma tagaan wax yar mooyee.
  2. Way idin kala bakhayli [wanaagga] marka cabsi timaadna waxaad arki iyagoo kusoo eegi indhahooduna wareegi sida mid geeri hayso, marka cabsidu tagtana waxay idiinkugu dhibaan carrabo af-badan, isagoo idin kala bakhayli khayrka, kuwaasi ma rumeynin [Xaqa] waana hoobiyey Eebbe camalkooda arrintaasuna waa u fududdahay Eebbe.
  3. Waxay malayn inayan tagayn xizbiyadu [colalka] waxayna jecel yihiin in marka cololku yimaadaan ay baadiyaha jiraan ay warkiina warsadaan, hadday idiin joogaanna ma dagaallameen wax yar mooyee.

 

Jahaadka iyo difaaca dalka Islaamka waa jid adag, mana aha in dadka la reebo oo cabsi-galin iyo waswaas iyo balaayo iyo baas baa dhacay lagula dhex jiro Muslimiinta, sidii munaafiqiintii khayrka la necbayd mu’miniinta ee fulayaasha ahaa, indhaha galka ka rogi jiray sida ruux sakaraad hayo. Marka nabadda ahna xan iyo dhib ula jooga mu‘miniinta, jeclaana in marka magaalada Madiino iyo dhulka Islaamka lasoo weerari ay baadiyo ku maqnaadaan waydii, ayaana warka Muslimiinta, hadday joogaanna wax ma tareen. Al-Axzaab (18-20)

 

  1. Waxaa idinku sugan Rasuulka Eebbe ku-dayasho wanaagsan, ruuxii rajayn Eebbe iyo maalinta Aakhiro, Eebbana xusa in badan.
  2. Markay mu’miniintu arkeen xizbiyadii [colkii] waxay dhaheen, “Kan waa wixii Eebbe iyo Rasuulkiisu noogu yabooheen, run buu sheegay Eebbe iyo Rasuulkiisu,” waxaan iimaan iyo hoggaansan ahayna uma siyaadinin.
  3. Mu‘miniinta waxaa kamid ah rag ka rumeeyey waxay Eebbe kula ballantameen, waxaana kamid ah mid gutay ballankii [ajashiisii] waxaana kamid ah mid sugi mana ayna baddalin.
  4. In Eebbe ka abaal-mariyo runlowyaasha runtooda, oo cadaabana munaafiqiinta, hadduu doono, ama ka tawbad aqbalo, Eebbana waa dambi-dhaaf badane naxariista.

 

Waxaa ku waajib ah ruuxa mu‘minka ah inuu ku daydo Rasuulka Eebbe hadalka, ficilka, akhlaaqda iyo wax kasta oo wanaag ah, sida samirka, adkeysiga Jahaadka iyo wixii lamid ah, waxayna calaamo u tahay Eebbe ka-yaabid iyo darbasho maalinta Qiyaame, ruuxa mu‘minka dhabta ahna waa inuu rumeeyaa yabooha Eebbe iyo Rasuulkiisa, sida caadada mu‘miniinta waa inay oofiyaan ballan-qaadka Eebbe xataa in Xaqa difaaciisa lagu dhinto, siday faleen asxaabtii Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) si Eebbe ruux walba u abaal-mariyo. Al-Axzaab (21-24)

 

  1. Eebbe wuxuu ku celiyey kuwii gaaloobay cadhadoodii, wax khayr ahna mayna gaadhin, Eebbaana ka kaafiyey mu’miniinta dagaal, Eebbana waa xoog-badane adkaada.
  2. Kuwii u kaalmeeyey ehlu-Kitaabka ahaana wuxuu kasoo dajiyey [kasoo saaray] dhufaysyadoodii, wuxuuna ku tuuray quluubtooda argaggax, koox kamid ah waad dilaysaan, kooxna waa qafaalanaysaan.
  3. Wuxuuna idin dhaxalsiiyey dhulkoodii guryahoodii iyo xoolahoodii, iyo dhul aydaan hadda ka hor ku joogsan, Eebbana wax kasta [oo uu doono] wuu karaa.

 

Eebbe wuxuu ka warramay in cadawgii isu soo bahaystay baabi‘inta Rasuulka iyo mu‘miniinta, magaalada Madiinana hareereeyey ay hongoobeen, lana noqdeen cadhadii iyagoon wax gaysan, mu‘miniintiina Eebbe ka kaafiyey dagaal, iyo inuu Yuhuuddii ku ballan-furtay Nabiga iyo asxaabtiisana laga saaray dhufaysyadoodii wax la laayay iyo wax la qafaashayna laga dhigay, dhulkay dulmiga la joogeenna loo soo celiyey mu‘miniinta, ballan-jabinta iyo khiyaamadana waa shaqada Yuhuudda, waxaana Yuhuud xukun caadil ah ku xukumay Sacad binu Mucaad. Al-Axzaab (25-27)

 

  1. Nabiyow ku dheh haweenkaaga, “Haddaad tihiin kuwo dooni nolosha adduunyo iyo quruxdeeda kaalaya waan idin gacan marin si quruxsanna idiin siideyne.”
  2. “Haddaadse tihiin kuwo dooni Eebbe iyo Rasuulkiisa iyo daartii Aakhiro Eebbe wuxuu u darbay haweenka wanaagga fala oo idin kamid ah ajir wayn.”
  3. Haweenka Nabigow tiinnii la timaadda xumaan cad waxaa loo laalaabi cadaabka arrintaasna waa u fududdahay Eebbe.
  4. Tiise adeecda Eebbe iyo Rasuulkiisa oo camal fiican fasha waxaan siinaynaa labo ajir, waxaana u darbaynaa rizqi wanaagsan.

 

Aayadahan waxay waanin haweenkii Nabiga illeen waa banii-Aadmiye, wuxuuna Eebbe kala door-galiyey inay dhalanteedka adduunka iyo quruxdiisa iyo Eebbe iyo Rasuulkiisa iyo daar Aakhiro kala doortaan, oo hadday adduunyo rabaan uu Nabigu si quruxsan u siidayn, hadday wanaag falaana Eebbe si fiican ku abaal-marin, tii iyaga kamid ah oo xumaan cad la timaaddana (Eebbe waa ka koriyey) si daran loo ciqaabi, tiise Eebbe iyo Rasuulkiisa adeecda camal fiicanna fasha Eebbe siin ajir badan iyo khayr. Al-Axzaab (28-31)

 

  1. Haweenka Nabigow ma tihidiin sida haweenka kale haddaadse dhawrsataan hadalka ha nuglaynina oo uu damco midka qalbiga ka buka, hadal wanaagsanna ku hadla.
  2. Kuna sugnaada guryihiinna, hana u wareegaysanina [idinkoo is-faydi] sidii jaahiliyadii horraysay, salaaddana ooga, zakadana bixiya, Eebbe iyo Rasuulkiisana adeeca, Eebbe wuxuu uun dooni inuu xumaanta idinka tagsiiyo [fogeeyo] dambiga, ehlu-Baytkow idinna daahir yeelo.
  3. Xusuustana waxa lagu akhrin guryihiin oo aayaadka Eebbe ah iyo sunnada [Nabiga] Eebbana waa wax walba oge xeel dheer.
  4. Ragga Muslimiinta ah iyo haweenka Muslimaadka ah, ragga mu‘miniinta ah iyo haweenka mu‘minaadka ah, ragga Eebbe adeeca iyo haweenka adeeca, ragga runlowga ah iyo haweenka runlowga ah, ragga samra iyo haweenka samra, ragga u-khushuuca Eebbe iyo haweenka u-khushuuca, ragga sadaqaysta iyo haweenka sadaqaysta, ragga sooma iyo haweenka sooma, ragga is-dhawra iyo haweenka is-dhawra, iyo ragga in badan Eebbe xusa iyo haweenka in badan xusa, wuxuu Eebbe u darbay dambi-dhaaf iyo ajir weyn.

 

Aayadahan waxay si gaar ah u guubaabin una hanuunin haweenkii Nabiga ee joogay guriga daahirka ah si haweenka kale ee Muslimiinta ah ugu daydaan, waxaana loo sheegay inayan lamid ahayn haweenka kale, kana fogaadaan wareeg iyo hadal nugul oo kuwa jirran waxgaliya ee ay hadal wanaagsan ku hadlaan, ayna is-asturaan ooyan noqon sidii jaahiliyadii hore. Nasiib-darro waxaa dhacday jaahiliyad ka daran tii hore oo qaawisay haweenkii kana dhigtay badeeco la gado, jidhkooda ka ganacsada, taasina waxay khatar ku tahay nolosha bani-Aadmiga, salaad, zako, Eebbe iyo Rasuulkiisa adeecidna laga helo si Eebbe xumaanta uga dheereeyo iyagoo xusuusan nicmada Eebbe iyo Nabinimada guryahooda ku sugan iyo Qur’aanka lagu akhrin, Eebbana wuxuu ku abaal-marin ajir wayn Muslimiinta, mu‘miniinta dhawrsadayaasha ah, rumeeyayaasha, samirlowyaasha, kuwa khushuuca, kuwa sadaqaysta, kuwa sooma, kuwa is-dhawra iyo kuwa badiya xuska Eebbe. Al-Axzaab (32-35)

 

  1. Kuma habboona [umana bannaana] nin mu‘min ah iyo haweenay mu‘minad ah marka Eebbe iyo Rasuulkiisu wax xukumayaan inay khiyaar u yeeshaan amarkooda, ruuxiise caasiya Eebbe iyo Rasuulkiisa wuxuu dhumay dhumid cad.
  2. [Xusuuso] markaad ku lahayd kii Eebbe u nicmeeyey, adna aad u nicmaysay [Zayd binu Xaarithah] “Hayso haweenaydaada Eebbana ka yaab,” naftaadana aad ku qarinaysay wax Eebbe muujin, ood kana cabsanaysid dadka [xishoonaysid] Eebbaana u muta in laga cabsado [lagana xishoodo] markuu Zayd dantiisii ka dhammaystayna [is-fureenna] aan kuu guurinay si ayan wax dhib ah u ahaanin mu‘miniinta [hadday guursadaan] haweenka ay fureen kuway wiilal ka dhigteen [iyagoo dhalin] amarka Eebbana waa kii la fuliyo.

 

Aayadda hore waxay caddayn inaan ruuxna u bannaanayn inuu khilaafo waxa Eebbe iyo Rasuulkiisu fareen oo xukun ah wax khiyaar iyo door doorasha ahna ayan xaq u lahayn, ruuxii amarka Eebbe iyo Rasuulkiisa caasiya oo khilaafana waa ruux dhumay oo jidka xaqa ah ka leexday, aayadaha kale waxay ka qisoon in asxaabi la dhihi jiray Zayd oo Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ka wiil yeeshay waqti hore uu guursaday haweenay la dhihi jiray Zaynab, isna neceen muddo kadib, markaas uu Nabiga kala tashaday, Nabiguna faray inuu haysto xaaskiisa Eebbana ka yaabo, hase yeeshee Eebbaa Nabiga ku yar canaantay maxaa yeelay Eebbaa Nabiga tusiyey inuu guursan markay is-furaan, si uu caadadii jaahiliyada u-buriyo, aayaddana kuma sugno wax warka lagu badiyo, Eebbana wuxuu doono yuu xukumaa oo falaa, waxaana waajib ah inaan rumeyno. Caa‘isha waxaa laga wariyey (Eebbe haka raalli noqdee) inay tidhi, “Hadduu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wax loo waxyooday qarin wuxuu qarin lahaa aayaddan.” Al-Axzaab (36-37)

 

  1. Nabiga korkiisa dhib ma aha waxa Eebbe u banneeyey, waana jidkii Eebbe ee dadkii tagay ee hore amarka Eebbana waa qadar xukuman.
  2. [Waxaa amaan mudan] kuwa gaadhsiiya [dadka] farriimaha Eebbe kana cabsada Eebbe, oon kana cabsan axad kasoo hadhay, Eebbaana ku filan xisaabiye [kaalmayn].
  3. Ma aha [Nabiga] Muxammad ah aabbaha ruux raggiina kamid ah, laakiin waa Rasuulkii Eebbe iyo khatimiddii Nabiyada, Eebbana wax walba waa ogyahay.
  4. Kuwa Xaqa rumeeyow xusa Eebbe wax badan.
  5. Weyneeyana aroortii iyo galabtii.
  6. Eebbana waa kan idiin naxariista malaa‘igtiisuna idiin ducayso, si uu idiin ka bixiyo mugdiyaasha idiin kuna bixiyo Nuurka, waana kan u naxariista mu‘miniinta.
  7. Bariidadoodu maalintay Eebbe la kulmi waa salaan, wuxuuna u darbay ajir weyn.

 

Wax Eebbe xalaaleeyey Nabiga wax kama saarra, illeen amarka isagaa iska leh, hor iyo dib ee, waxaana amaan mudan kuwa farriinta Xaqa ah ee Eebbe gaadhsiiya dadka, kana yaaba Eebbe kaliya wax kasoo hadhayna aan ka cabsanayn, Eebbana ku filan wakiil gargaar ah oo xisaabiya. Tan kale waxay sheegi aayadda afartanaad inuusan Nabigu aabbo u ahayn ragga ee u yahay Rasuulkii Eebbe ee lagu khatimay Nabiyada, Eebbana wax walba waa daalacdaa, waase in xuska Eebbe la badiyaa waqti kasta, si Eebbe noogu naxariisto malaa‘igtuna noogu ducayso, Nuurna u helno mugdigana uga baxno, maalintaan la-kulannana uu inoo naxariisto nabad-galyo iyo ajir waynna inoo siiyo. Al-Axzaab (38-44)

 

  1. Nabiyow waxaanu ku dirray adoo marag ah, oo bishaarayn oo digi.
  2. Oo dadka Eebbe ugu yeedhi idankiisa, oo siraad ifi ah.
  3. Ee u-bishaaree mu’miniinta inay xagga Eebbe ku leeyihiin fadli [dheeraad] weyn.
  4. Hana adeecin gaalada iyo munaafiqiinta, dhibkooda iska-gudub [hana u-aabbayeelin] Eebbana talo-saaro isagaa ku filan wakiile.

 

Eebbeheen wuxuu u diray dadka dhammaantiis Nabiga Muxammad ah (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) isagoo marag ah oo u-bishaarayn mu‘miniinta una digi gaalada, Xaqana dadka ugu yeedhi, isagoo Nuur cad oon mugdi ku jirin ah, Eebbana wuxuu faray inuu u-sheego mu‘miniinta wanaagga Eebbe u-darbay iyo inuusan gaalada iyo munaafiqiinta warkooda uusan adeecin isagana jeedsado, Eebbana talo-saarto, illeen isagaa ku filan talo-saarashee. Cadaa binu Yasaar waxaa laga wariyey inuu yidhi, “Waxaan la kulmay Cabdullaahi binu Camar binu Caas, waxaana idhi, ‘Iiga warran tilmaanta Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) Tawreed dhexdeeda,’ wuxuuna yidhi, ‘Eebbaan ku dhaartaye wuxuu ku tilmaaman yahay Tawreed tilmaamihiisa Qur’aanka qaarkood.’ Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, ‘Markay soo dagtay aayadda Nabiyow annagaa ku dirnay adoo marag ah… oo uu ahaa Nabiguna kii faray Cali iyo Mucaad (Eebbe haka raalli noqdee) inay aadaan Yaman yaa wuxuu ku yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Taga bishaareeyana, hana eryina, fududeeyana, hana adkeynina, waxaa laygu soo dajiyay (aayaddane).”’ Waxaa wariyey Ibnu Abii Xaatim iyo Dabaraani. Al-Axzaab (45-48)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow haddaad guursataan haween mu’minaad ah markaas aad furtaan taabasho horteed, wax cidda ah kuma lihidin korkooda oy tirsan, ee gacan mariya una siidaaya si quruxsan.
  2. Nabiyow waxaan kuu bannaynay haweenkaaga aad siisay meherkoodii iyo waxaad hanatay [xagga gaalada] oo Eebbe kugu soo celiyey, iyo gabdhaha adeerkaa, gabdhaha eeddadaa, gabdhaha abtiyadaa, gabdhaha habaryarahaa oo kulasoo hijrooday, iyo haweenay mu’minaad ah hadday nafteeda Nabi u hibayso, hadduu doono inuu guursado Nabigu, iyadoo gaar kugu tahay mu’miniinta ka-sokow, waan ognahay waxaan ku faralyeelay mu’miniinta xagga haweenkooda, iyo waxa gacantoodu hanato, si aan korkaaga dhib u ahaan, Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.

 

Aayadahan waxay warrami xagga guurka iyo furidda, iyo inaan haweenay la furay taabasho horteed wax cidda ah korkeeda ahayn, tan kale waxay caddayn waxyaalaha guurka ku saabsan oo Eebbe u banneeyey Nabiga (naxariis iyo nabadagalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) iyo mu’miniintaba, wax Nabiga ku gaar ah iyo wax guud ahaaneedba, iyo meherku yahay lagama-maarmaan, siduu Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) “Dayday kaatun bir ahna ha ahaatee (meher),” kuwana wuxuu isugu guuriyey inuu Qur’aanka baro, taasina waa xurmeynta haweenka iyo qaddarintooda. Al-Axzaab (49-50)

 

  1. Waad dib dhigi taad doonto, waadna soo dhaweyn taad doonto oo kamid ah kuwaad ka fogaatay dhibna korkaaga ma aha. Saasaana u dhaw inay indhahoodu qabowsadaan ooyan murugoon oy raalli ku noqdaan waxaad siisay dhammaantood, Eebbana waa ogyahay waxa quluubtiinna ku sugan, Eebbana waa oge dulqaad leh.
  2. Kuuma bannaana Nabiyow haweenka [kale] mar dambe iyo inaad haween kale ku baddasho si kasta ood ula yaabto quruxdooda waxaad hanato mooyee [oo gaalo laga helo] Eebbana wax walba waa ilaaliye.

 

Aayadahan waxay ka warrami Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) iyo haweenkiisii, iyo inay Nabiga u bannaanayd inuu siduu rabo ula noolaado haweenkiisa, si iyaguna ayna u murgin, una raalli noqdaan, Eebbana wuu daalacan waxa quluubta ku sugan. Wuxuuna Eebbe ku abaal-mariyey haweenkii Nabiga inayna Nabiga u bannaanayn guur haween kale, iyo inuu furo haweenkiisa oo kuwo kale ku baddalo, maxaa yeelay imtixaan bay soo mareen kana gudbeen, waxayna noqdeen hooyooyinkii mu‘miniinta, saasna waxaa qaba Ibnu Cabbaas, Mujaahid, Daxaak, Qataade, Xasan, Ibnu Jariir iyo culimo kale oo badan. Al-axzaab (51-52)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow ha galina guryaha Nabiga in cunno leydiinku idmo [yeedho] mooyee idinkoon sugayn bislaadkiisa, hasa yeeshee marka laydiin yeedho gala, markaad cuntaanna socda hana sugina sheeko, illeen taasi waxay dhibi Nabigee wuuna idinka xishoone Eebbese xaqa kama xishoodo, haddaad wax warsataan haweenka [Nabigana] ka warsada xijaab gadaashiis. Saasaa u daahirnimo badan [u-fiican] quluubtiinna iyo quluubtoodaba, xaqna uma lihidin inaad dhibtaan Rasuulka Eebbe ama aad guursataan haweenkiisa gadaashiis waligeed, arrintaasuna way ku wayn tahay Eebbe agtiisa.
  2. Haddaad muujisaan wax ama qarisaan Eebbe waa wax kaste oge.
  3. Korkooda [haweenka] dhib kama saarra aabbayaalkood, wiilashooda, walaalahood, wiilasha walaalahood, wiilasha walaashood, haweenkooda [mu‘miniinta ah] iyo waxay hanatay gacmahoodu, kana dhawrasada Eebbe, Eebbe wax kaste wuxuu u yahay marage.

 

Ma habboona in guriga Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) lays ka galo idan-la‘aan iyo isagoon cunto laysugu yeedhin, aadaabtuna waa in marka martiqaadku dhammaado loo fududeeyo dadka guriga een sheeko la wadin, gaar ahaan waxaa lagu sii adkeeyey guryihii Nabiga ee waxyigu kusoo dagayay, Nabiguna uu ka xishoonayay bixinta, Eebbese Xaqa kama xishoodo, waxaana asluub fiican ah in marka haweenka la warsan alaab iyo wax lamid ah laga warsado meel asturan gadaasheed iyo xushmad sidii haweenkii Nabiga Eebbe ku caddeeyey, saasaana qalbiga u-roon, mana bannaana in Rasuulka Eebbe la dhibo ama haweenkiisii la guursado gadaashiis, maxaa yeelay waa arrin ku wayn Eebbe agtiisa, Eebbana wax kasta waa ogyahay, hasa yeeshee haweenka dhib kama saarra ragga aan u-bannaanayn inay guursadaan sida aabbe, wiilkeeda, walaalkeed, iyo wixii lamid ah sidoo kale haweenka mu’miniinta ah ee sharafta leh. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Haddii la iigu yeedho cudud waan ajiibi, haddii la ii hadiyeeyo mijinna waan aqbali, ee markaad faaruqdaan wixii laydiin ku yeedhay ka fududeeya qoyska guriga leh una kala-taga dhulka.” Wataas asluubta iyo sharafta Islaamku. Al-Axzaab (53-55)

 

  1. Eebbe iyo malaa‘igtiisu waxay ku sallin [amaani] Nabiga, ee kuwa [Xaqa] rumeeyow ku salliya korkiisa oo salaama salaan.
  2. Kuwa dhiba Eebbe iyo Rasuulkiisa wuu lacnaday Eebbe adduun iyo Aakhiroba, wuxuuna u-darbay cadaab wax dulleeya.
  3. Kuwa ku dhiba mu‘miniita rag iyo haweenba waxayan kasbanin waxay xambaarteen been-abuurasho iyo dambi cad.
  4. Nabiyow ku dheh haweenkaaga iyo gabdhahaada iyo haweenka mu‘miniinta isku dada shukadiinna, taasaa idiinku dhaw in laydin aqoonsado oon laydin dhibine, Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista ah.
  5. Haddayna ka joogin munaafiqiintu iyo kuwa qalbiga ka buka iyo kuwa gilgili [beenta ku faafin] Madiino waanu kugu diri kulamana darsayaan wax yar mooyee.
  6. Waana la lacnaday meel kastooy joogaanba hana la qabto oo la dilo dilmo.
  7. Waana sunnadii Eebbe dadkii horee tagay wax baddalina uma heshid sunnada Eebbe.

 

Salliga Eebbe waa amaan iyo naxariis, kan malaa‘igtuna waa duco iyo dambi-dhaaf sida dadka, aayadduna wuxuu ku faray Eebbe dadka inay ku salliyaan Nabiga. Salaadda dhexdeeda, iyo markii la xuso, iyo khudbadahana waaba waajib salligu. Fadli badan baana kusoo arooray xaalkeeda oo kamid yahay in Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Kan iigu mudan dadka maalinta Qiyaame waa kan ugu badan salligayga.” Aayadaha kalana waxay caddayn in kuwa Eebbe hadal xun ku dhiba iyo Rasuulkiisa Xaqana ka leexda, mu‘miniintana dhiba dambi-la’aan ay mudan lacanad adduun iyo mid Aakhiraba, ay xambaarsadeen abuurasho iyo dambi. Haweenkii Nabiga iyo gabdhihiisii iyo haweenka mu‘miniinta oo dhan waxaa la faray inay is-asturaan, si loo aqoonsado inay sharaf leeyihiin oon loo dhibin, mana habboona waana munaafiqnimo lacanad lagu muto iyo qabasho iyo dilba in lala dhex ordo magaalooyinka Muslimka wax Muslimka dhibi oo war been ah iyo dacaayad ah, wataas akhlaaqda Islaamku iyo dhaqankiisu dhabta ah. Al-axzaab (56-62)

 

  1. Dadku waxay ku warsan Nabiyow Saacadda [Qiyaame] waxaad dhahdaa, “Cilmigeedu wuxuu jiraa Eebbe agtiis, miyaadse ogtahay inay suurowdo inay Saacaddu dhawdahay.”
  2. Eebbe wuxuu lacnaday gaalada wuxuuna u-darbay [Naarta] Saciiro.
  3. Iyagoo ku waari dhexdeeda waligood oon helaynna sokeeye iyo gargaare midna,
  4. Maalinta lagu gadgaddin wajigooda Naarta waxay dhihi, “Waan halaagsannaye haddaan adeecno Eebbe oon adeecno Rasuulkii.”
  5. Waxayna dhihi, “Eebbow waxaan adeecnay madaxdannadii iyo kuwii noo waaweynaa waxayna naga dhumiyeen jidkii.”
  6. “Ee Eebbow sii kuwaas labanlaab cadaab lacanad wayna lacnad.”

 

Sida aayado badanba sheegeen Saacadda Qiyaame markey dhici Eebbe un baa og, inay dhawdahayna waa suurowdaa, waana sugan tahay illeen wixii kugu soo-socdaba waa dhawyahaye, waxaase loo baahan yahay in loo darbado, macnase kuma jiro in la warsado goortay imaan. Gaalana Eebbe wuu lacnaday ciqaab daranna wuu u-darbay iyagoo ku waari waligood, waxayna ku calaacali inay khasaareen markay maqleen warkii madaxdoodii Jidka Xaqa ah ka leexisay, iyagoo warsan Eebbe in kuwaas lacnadi ku dhacdo cadaabkana loo laablaabo. Taasina waxay ku tusin xumaanta saaxiibka qalloocsan iyo war xun oo la maqlo inay sabab u tahay ciqaab daran iyo halaag ee waa in laga digtoonaado, wanaaggana laysku raaco laguna saaxiibo, xumaantana laga tago lays kuna maqlin, laguna saaxiibin, illeen waa luggooyee. Al-Axzaab (63-68)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow ha noqonina sidii kuwii dhibay [Nabi] Muuse oo Eebbe ka bari yeelay waxay [ku] sheegeen, Eebbe agtiisana wuxuu ku leeyahay waji [Sharaf].
  2. Kuwa [Xaqa] rumeeyow ka dhawrsada Eebbe hadal toosanna ku hadla.
  3. Haydiin wanaajiyo camalkiinna hana idiin dhaafo dambigiinnee, ruuxii adeeca Eebbe iyo Rasuulkiisa wuxuu u-liibaanay dhab ahaan liibaan weyn.
  4. Annagaa u bandhignay amaanada [cibaadada] samooyinka, dhulka iyo buuraha wayna diideen inay xambaaraan wayna ka cabsadeen xaggeeda, waxaase xambaaray dadka wuxuuna noqday dulmi badane jahli badan.
  5. Si Eebbe u cadaabo munaafiqiinta rag iyo haweenba iyo mushrikiinta [gaalada] rag iyo haweenba, uu kana tawbad aqbalo mu‘miniita rag iyo haweenba, Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.

 

Waxaa habboon inaan dhibaa la noqonin sidii gaaladii dhibtay Nabi Muuse markuu xishood iyo sharaf kula dhex noolaa, Eebbana ka fogeeyey kana bari yeelay waxay ku sheegeen, sharafna Eebbe agtiisa ugu yeelay. Waana in Eebbe laga yaabo hadal run ah oo xaq ahna lagu hadlo si Eebbe dambigeenna u dhaafo, markaan adeecno Eebbe iyo Rasuulkiisana aan u liibaanno liibaan wayn. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Ruuxii jecel inuu noqdo kan ugu sharaf badan Eebbe haka yaabo.” Hadalka toosanna waa runta iyo Xaqa. Eebbana wuxuu u bandhigay cirka, dhulka iyo buurahaba inay qaadaan amaano, taasoo ah cibaadada iyo waxa lays faray iyo waxa layska reebay, wayse ka cudur-daarteen kana cabsadeen, waxaase xambaaray dad oo dulmi iyo jahli ku dheehan si munaafiqiinta iyo gaalada loo cadaabo, mu‘miniintana looga tawbad-aqbalo, looguna dambi-dhaafo. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Afar haddaad haysato wax kaama taro wixii kaa taga oo adduun ah, ilaalinta amaanada, runta sheekada, fiicnida dabeecadda iyo xalaalnimada cunnada.” Waxaa wariyey Imaam Axmed. Al-Axzaab (69-73)

Suurat Saba’

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Mahad Eebbaa iska leh ay awooddiisa ku jiraan waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, mahadna isagaa muta Aakharo iyo adduunba, waana falsame xeel dheer [wax walba oge].
  2. Wuxuuna ogyahay waxa dhulka gali iyo waxa kasoo bixi iyo waxa kasoo dagi samada iyo waxa u kori, waana naxariiste dambi-dhaafa ah.
  3. Kuwii gaaloobay waxay dheheen nooma imaaneyso saacadda [Qiyaame], waxaad dhahdaa, “Saas ma aha ee Eebbahay baan ku dhaartey way idiin imaan, Eebbahay waa wax maqan oge, wax darro la egna kagama qarsoona samooyinka iyo dhulka dhexdooda iyo wax waxaas ka yar iyo wax ka weyn midna, wax walbana Kitaab cad bey ku sugan yihiin.”
  4. Si Eebbe u abaal-mariyo kuwa rumeeyey [Xaqa] oo camal fiican falay kuwaasna waxay mudan dambi-dhaaf iyo rizqi wanaagsan.
  5. Kuwa u socda iney aayaadkannaga [ka leexdaan] iyagoo u-maleyn iney daalin [Eebbe] kuwaasi waxay mudan cadaab daran oo xun.
  6. Waxey arki kuwii cilmiga la siiyeyna [mu‘miniinta] in waxa lagasoo dajiyey xagga Eebbe Xaq yahey kuna hanuunin Jidka Eebbaha adkaada ee la mahdiyo.

 

Aayadahannu waxay caddeyn in Eebbaha cirka iyo dhulka waxa ku sugan xukuma ee maamula oo Aakharo iyo adduunba iska leh ay mahadi u sugnaatey, wax kasta oo adduunka ka dhicina uu ogyahey, gaaladuse waxey diidi saacadda Qiyaame iyo Xaqa, wuuse keeni Eebbaha wax walba og si uu u abaal-mariyo kuwa wanaagga faley iyo gaaladaba mid walba camalkiis, kuwa Xaqa rumeeyeyse oo cilmiga la siiyey waxay ogyihiin in Qur’aanku xaq yahey, kuna hanuuniyo waddada Eebbe ee toosan. Saba’ (1-6)

 

  1. Waxey dhaheen kuwii gaaaloobey, “Maydin tusinaa nin idiin ka warramin marka laydin kala-geeyo [jidhkiinna] kala-gayn dhammaanteed in abuur cusub leydin abuuri?”
  2. “Ma Eebbuu ku been-abuuran mase wuu waalan yahay?” Saas ma aha ee kuwaan rumeynin Aakhiro waxay ku sugnaan cadaab iyo baadi fog.
  3. Miyeyna arkaynin waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah oo samo iyo dhul ah? Haddaan doonno waxaanu la goyn dhulka, mise waxaan kusoo rideynaa goosimo samada kamid ah arrintaasna aayad baa ugu sugan addoon kastoo tawbad-keen badan.
  4. Dhab ahaan baan u siinnay [Nabi] Daawuud fadli [dheeraad] xagannaga ah, waxaana nidhi “Buurahow la celceliya tasbiixda, shimbirahowna [la celceliya tasbiixda],” waxaana u jilciney birta.
  5. Waxaana ku nidhi, “Ka samee diricyada [dharka dagaalka] sugna tixiddeeda wanaagna fala, waxaad faleysaanna waan arkaa.”

 

Gaaladu had iyo jeer waxay diidaan Xaqa kana jeedsadaan, mar waxay inkiraan Qiyaamada marna waxay Nabiga ku sheegaan been-abuurte ama waalli, waxaase jirta iney baadi ku sugan yihiin, meyse ku waana-qaataan cirka iyo dhulka dhan walba ka jira, hadduu Eebbe doonana uu dhulka la goyn karo ama cirka kusoo ridi karo, kadib wuxuu Eebbe ka warramay Nabi Daawuud si loogu waano-qaato iyo in buuraha iyo shimbiruhu la tasbiixsan jireen, birtanna loo jilciyey si uu uga sameeyo dharka dagaalka, Eebbana farey inuu wanaag sameeyo, illeen Eebbe wax walba waa arkaaye. Saba’ (7-11)

 

  1. Nabi Suleymaanna waxaan u sakhirray dabeysha, kallahaaddeedu waa bil, carraabaheeduna waa bil, waxaan u dureeriney il nuxaas ah [maar] jinnigana waxaa kamid ah kuwo ku hor-shaqeeya idanka Eebbe. Ruuxii kamid ah oo ka iilata amarkannaga waxaan dhadhansiineynaa cadaabka Saciiro.
  2. Waxay u-sameyn Suleymaan wuxuu doono oo mixraabyo [fooqaq] iyo suurooyin, iyo xeedhooyin dar oo kale ah, iyo dharyo sugan, waxaana ku nidhi, “Fala ehelka Daawuudow mahadnaq, waxaana yar addoomadayda shukriga badan.”
  3. Markaan geerida ku xukunnay [Nabi] Suleymaan wax tusiyey geeridiisa ma jiro oon ahayn aboorka cunay ushiisa, markuu dhacay yaa waxaa u caddaaday jinnigii haddey waxa maqan ogyihiin ineyna ku nagaadeen cadaab wax dulleeya [shaqadiisa darteed].

 

Markuu Eebbe sheegay qisadii Nabi Daawuud iyo waxa Eebbe siiyey wuxuu raaciyey qisadii wiilkiisa Nabi Suleymaan ahaa iyo in Eebbe u-sakhiray dabeysha oo orod dheer kallahaad iyo carraababa mid walbana ay ku goyn in bil loo socdo, maartana loo jilciyey, jinnigana ku shaqayn jiray, amarka Eebbe iyagoo u-sameyn guryo iyo sawirro iyo weelal iyo daryo waawayn, farayna Daawuud iyo ehelkiisa iney Eebbe ku mahdiyaan, in kastoo dad mahad naqaa yar yahay, jinniguna inkastoo uu sheeganayey inuu ogyahay waxa maqan haddana waxaa ka qarsoomay geeridii Nabi Suleymaan oo sidii bay shaqada ugu jireen, ilaa ushii uu ku tiirsanaa aboor cuno oo dhaco, hadday waxa maqan ogyihiin ma ayna wadeen shaqadaas adag, waxaana inagu waajib ah inaan rumeyno qisadaas Nabiyada sida Qur’aanku inoo sheegay. Saba’ (12-14)

 

  1. Guryihii reer-Sabaad waxaa ku sugnayd calaamo beeraana ka xigay xagga midig iyo xagga bidixba, waxaana Eebbe ku yidhi cuna rizqiga Eebbihiin kuna mahadiya, waa balad wanaagsan iyo Eebbe dambi-dhaaf badane.
  2. Wayse jeedsadeen, waxaana ku dirnay daad daran, waxaana ku baddaley labadoodii beerood beero kale oo geedo khadhaadh iyo qoryo iyo sidri yar ah.
  3. Sidaasaana ku abaal-marinnay gaalnimadoodii darteed, abaal-marin xunna waxaan abaal-marinnaa kuwa gaalnimada badan.
  4. Waxaana yeelney dhexdooda iyo magaalooyinkii barakeysnaa [Yaman iyo Qudus] magaalooyin muuqdo waxaana qaddaray socodkooda, waxaana ku nidhi, “Ku socda dhexdeeda habeen iyo maalinba idinkoo aamin ah.”
  5. Waxayse dhaheen, “Eebbow noo kala fogee socodka,” wayna dulmiyeen naftooda, waxaana ka yeelay wax lagu sheekeysto. Waana kala goyney, sidaasna waxaa ugu sugan calaamo ruux kastoo Samir badan oo mahadin badan.

 

Saba’ waxay ahayd dawlad ka dhisneyd Yaman oo Eebbe nimco siiyey dadkeeda, uuna faray inay cunaan nicmada Eebbe kuna mahdiyaan, caabudaanna, weyse inkireen oo Xaqa ka jeedsadeen, markaasaa Eebbe ku ciqaabay inuu ku siidaayo daad daran oo maansheeyey biyo-xidheenka Ma‘ribna kharribey, markaasey u kala-tageen adduunka, beerahoodii fiicnaana lagu baddalay geedo khadhaadh oo xun. Kibirkoodii dartiis yaana saas loogu abaal-mariyey, tan kale markii Eebbe ugu nicmeeyey magaalooyin is-haya oy ku nastaan safarkooda xagga Shaam yey warsadeen in loo kala fogeeyo, markaas Eebbe kala diray kana yeeley wax lagu sheekeysto. Saba’ (15-19)

 

  1. Dhab ahaan waxaa ku rumoobey gaalada korkooda Ibliis malihiisii, wayna raaceen wax yar oo kamid ah oo mu‘min ah mooyee.
  2. Mu‘miniinta awood kuma laha Ibliis wax kalana uma aanaan yeelin inay kala muuqato ruuxa rumeeyey Aakhiro iyo kan ka shakisan xaggeeda. Eebbahaana wax walba waa ilaaliye.
  3. Waxaad dhahdaa, “U-yeedha kuwaad sheegateen Eebbe ka-sokow [iney ilaah yihiin] kuma hantaan darro wax la’eg samooyinka iyo dhulka midna, wax wadaag ahna [shirkadna] kuma leh dhexdooda Eebbe wax u kaalmeeyana kuma laha khalqiga.”
  4. Kumana anfacdo shafeeco Eebbe agtiisa ruuxuusan idmin. Markase laga faydo argaggaxa quluubtooda waxay dhihi, “Muxuu yidhi Eebbihiin?” Markaasey dhihi kuwa shafeeci, “Wuxuu yidhi xaq waana Eebbaha Sarreeya ee Weyn.”

 

Ibliis lacnadi haku dhacdo wuxuu ku dhaartey inuu galaafan wax badan oo dadka kamid ah, waxaana raacay wax badan, mu‘miniinse awood kuma leh inuu duufsado Eebbana wax walba waa awoodaa ee wuxuu saas u-falay imtixaan iyo inay kala muuqdaan mu‘miniinta iyo gaaladu. Wax cirka ama dhulka maamulkooda Eebbe la wadaagana ma jiro wax shafeecina ma jiro idanka Eebbe la’aantiis. Eebbana had iyo jeer Xaqa iyo runta yuu sheegaa, waxaana sugnaaday in Eebbe u dhihi Rasuulka naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha yeelee, Qiyaamada madaxa kor u-qaad oo dheh waa lagu maqliye oo warso waa lagu siine oo shafeec waa lagaa shafeeco aqbalaye. Saba’ (20-23)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Yaa idinka arzaaqa samooyinka iyo dhulka?” Waxaad dhahdaa, “Eebbe, annaga iyo idinka mid un baa hanuunsan ama baadi cad ku sugan.”
  2. Waxaad dhahdaa, “Laydin warsan mahayo waxaan dambaabney annagana nalama warsado waxaad camal-faleysaan.”
  3. Waxaad dhahdaa, “Waxaa ina kulmin Eebbaheen, markaasuu ina kala xukumin si Xaqa ah. Waana caadil wax walba og.”
  4. Waxaad dhahdaa, “I tusiya kuwaad Eebbe haleeshiiseen oo shurako ah [wax la wadaago] saas ma aha ee Eebbe waa adkaade falsan.”

 

Eebbaa dadka iyo khalqiga kalaba ka arzaaqa cirka iyo dhulka, gaaladii horana haddii la warsado saasey ku jawaabi jireen, illeen wax kale oo roobkeenna ama doog soo bixiya ma jiraane. Xaquna waa mid kaliya, dambi ruux faleyna cid kale lama warsado, Eebbana wuxuu kulmin dadka maalinta qiyaamaha, wuxuuna u kala xukumi si caddaalad ah, wax Eebbenimada la wadaagana ma jiro, waxay gaaladu caabudi oo Eebbe kasoo hadhayna dhammaan waa wax-kama-jiraan been been ah. Saba’ (24-27)

 

  1. Kuu maanaan dirin waxaan dadkoo dhan ahayn, adoo u-bishaaraynaya mu’miniinta, una digi gaalada, laakiin dadka badidiisu ma oga.
  2. Waxayna dhihi, “Waa goorma yaboohaasi [soo-bixinta] haddaad run sheegaysaan?”
  3. Waxaad dhahdaa, “Waxaa idiin sugnaaday waqti aydaan saacad kadib dhacaynin kana hor dhacaynin.”
  4. Waxay dheheenna kuwii galoobay, “Rumeyn mayno Qur’aankan iyo kuwii ka horreeyey midna.” Haddaad arki lahayd daalimiinta oo taagan Eebbe agtiisa [Qiyaamada] oo qaarkood qaarka kale hadal u celin ooy ku dhihi kuwii raaciyadda ahaa kuwii madaxda ahaa ee isla-wayna, haddaydaan jirin waxaan ahaan laheyn mu’miniin. [Waxaad arki laheyd arrin weyn oo lala yaabo.]

 

Nabiga Muxamed ah (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) wuxuu Eebbe u diray dhammaan khalqiga, si uu ugu bishaareeyo uguna digo, inkasta oo gaaladu diideen. Waxaana sugnaatay in Rasuulku (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) yidhi, ‘Waxaa la ii bixiyey madow iyo casaanba.” Bukhaari iyo Muslim yaa Jaabir binu Cabdullaahi ka wariyey. Qiyaamada waqti bay leedahay ayna kadib dhacayn kana hor-marayn, Qur’aanka iyo Kutubtii ka horraysayna gaaladii way diideen oo beeniyeen, muxuuse u tari calaacal markay Qiyaamada tagaan Eebbe agtiisa ooy doodaan raaciye iyo madaxba. Saba’ (28-31)

 

  1. Kuwii is-kibriyey [madaxdii] waxay ku dhaheen kuwii tabarta yaraa [raaciyaddii] “Ma annagaa idinka celinnay hanuunka markuu idiin yimid? Saas ma ah ee idinkaa danbiilayaal ahaa.”
  2. Kuwii tabarta yaraa [raaciyaddii] waxay ku dhaheen kuwii is-kibriyay [madaxdii] “Saas ma aha ee waxaa hanuunka naga celiyay dhagartii habeen iyo maalinba markaad na farayseen inaan Eebbe ka gaalowno una yeelo shariikyo, waxay qarsadeen qoomamo markay arkeen cadaabka, waxaana yeelay kuwii gaaloobay luquntooda biro naar ah. Miyaa laga abaal-marinin gaaladu waxay camal faleen mooyee.

 

Sida aayado badanba caddeeyeen maalinta Qiyaamo naf walba waxay iska fogeyn danbiga ruuxa kale, aayadahanna waxay caddayn in maalinta Qiyaame ay doodi dhex-mari madaxdii iyo kuway xukumi jireen ee Xaqa ka leexday, oo raaciyaddii ay eersan madaxdii markey arkaan dhibaatada Qiyaamaha iyo caddibaadda daran, iyagoo sheegi haddayna madaxdaas baasi jirin ooynan Xaqa ka leexinin inay toosnaan lahaayeen, hase yeeshee waxay ugu jawaabeen kuwii madaxda ahaa ineyna dhuminin iyagu ee ay ahaayeen kuwo iskood u xun, dharaartaana way qoomamoodeen markay arkeen cadaabka loo darbay, maxayse anfici qoomamo markaas oo kale? Taasina waxay ka digi inaan xumaan iyo Eebbe caasi lagu raacin laguna adeecin cidna. Saba’ (32-33)

 

  1. Magaalo kasta oo aan dige [Nabi] u dirro waxay dhahaan kuwoodii loo nicmeeyay, “Annagu waxa laydiinku soo diray waan ka gaalownay.”
  2. Waxayna dheheen, “Annagaa xoolo iyo carruurba idinka badan, nalamana cadaabayo.”
  3. Waxaad dhahdaa, “Eebbehay wuxuu u fidiyaa rizqiga ruuxuu doono, wuuna ku cidhiidhiyaa ruuxuu doono, laakiin dadka badankiisu ma oga.”
  4. Ma aha xoolahiinnu iyo carruurtiinnu kuwii noo kiin dhaweeya, hase yeeshee ruuxii rumeeya [Xaqa] oo camal fiican fala, kuwaas waxaa u-sugnaaday abaal-marin labalaab ah camalkooda dartiis, waxayna ku aamin noqdaan qawlado Janno.

 

Aayadahan oo kale waa ku badan yihiin Qur’aanka Nabigaana lagu calool-adkayn, waxaana caado ah in dadku markay dhargaan ay kibraan Xaqana diidaan, kuwuuse Eebbe doono wuu ka soo reebaa, carruur iyo xoolana wax lagu faano ma aha, maxaa yeeley kuma tusiso jeclaanta Eebbe, cadaabna kaa furan mayse, rizqiguna Eebbe awooddiisa yuu ku jiraa, cidduu doonana waa u-waasicin, cidduu doonana wuu ku cidhiidhiyey imtixaan dartiis, waxaase Eebbe loogu dhawaadaa rumayn Xaqa iyo camal fiican, kuwa saas falana waxay ku aamin noqon Jannada Eebbe qawladaheeda, waxase muhimka ah waa in la ogaado inuusan ahayn qiimuhu xoolo badan, carruur, madaxtinnimo iyo hodantinnimo addun ee sharaf iyo wanaag waa Xaqoo lagu tooso iyo wanaag jacayl. Saba’ (34-37)

 

  1. Kuwa u socda ka-reebidda aayaadkannaga iyagoo is-leh Eebbe daaliya, kuwaas waxaa lagu kulmin cadaab.
  2. Waxaad dhahdaa, “Eebbehay wuxuu rizqiga u-fidiyaa cidduu doono oo addoomadiisa kamid ah, kuu doonana wuu ku cidhiidhiyaa, waxaad bixisaan oo kastana Eebbaa idiin beddeli, Eebbena isagaa u khayr-roon wax wax arzaaqa.
  3. Xusuuso maalinta uu Eebbe kulmin dhammaan gaalada, markaas uu ku odhan malaa‘igtiisa kuwani ma idinkay idin caabudi jireen.
  4. Markaas ay dhihi, “Adaa ceeb ka fog Eebbow, adaa gargaarahannaga ah iyaga ka sokay, waxayse caabudi jireen jinni badidoodna isagay rumaysnaayeen.”
  5. “Maantase [Qiyaamada] uma hanato qaarkiin qaarka kale nafci iyo dhib midna. Waxaana ku dhahaynaa kuwii dulmi falay dhadhamiya cadaabka Naartaad beeninayseen.”

 

Diinta Eebbe waa xaq waafaqsan abuuridda dadka wanaagsan, ciddiise isku dayda inay la dagaallanto, dadkana ka celiso isagaa luggooyo ku dhici, kuna dambayn cadaab iyo halaag, tan kale ruux kasta oo Eebbe rizqi badan siiyay ama ku cidhiidhiyay oo wax bixiya Eebbe wuu u-baddali oo wax khayr leh yuu u daba-marin. Eebbe kaliya yaana muta cibaado, maalinta Qiyaamana waxa lasoo kulmin caabudihii iyo la-caabudihii Eebbe kasoo hadhay, waxna isuma tarayaan, Naar baana lagu abaal-marin, kuwaan in la caabudo raalli ka-ahaynse kuma jiraan. Saba’ (38-42)

 

  1. Marka lagu akhriyo korkooda aayaadkannaga waxay dhahayaan, “Kani ma aha mid dooni inuu idinka iilo waxay aabbayowgiin caabudi jireen mooyee,” waxayna dheheen, “Kan [Qur’aanku] ma aha waxaan been-abuurasho ahayn,” waxayna dhaheen kuwii gaaloobay xaqu markuu u yimid, “Kani waxaan sixir muuqda ahayn ma aha.”
  2. Ma aanaan siinin kutubbo ay akhriyaan, umana aanaan dirin xaggooda dige kaa horreeyay [Carabta].
  3. Waxay beeniyeen [Xaqa] kuwii ka horreeyayna, mana gaadhin [kuwii Nabiga beeniyay] toban meelood meel waxaan siinnay kuwaas, waxayna beeniyeen Rasuulladaydii, sayse noqotay ciqaabtaydii [aan ciqaabay kuwaas Xaqa beeniyay]?

 

Eebbe wuxuu ka warrami gaaladii iyo siday ciqaab daran u muteen markay beeniyeen Xaqii Nabiga loo soo dhiibay, ayna af-xumeeyeen Nabigii (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) kuna sheegeen inuu ka leexin waxay aabbayowgood caabudi jireen, ayna ku sheegeen been-abuur iyo sixir, taasna waa caadada jaahiliinta aan fikiraynin, Xaqana aan dhab u-eegaynin, waxayna ahaayeen intaan Nabiga loo dirin kuwo jeclaa in wax u-diga loo soo diro, maxaa yeelay Kitaab iyo Nabi midna horay uma lahayn, waxaase roonayd inay ku waano-qaataan gaaladii ka horreysay ee Xaqa beeniyey kana xoog badnaa iyaga Eebbana ciqaabay. Saba’ (43-45)

 

  1. Waxaad dhahdaa Nabiyow, “Mid kaliya yaan idinku waanin inaad u jahaysataan Eebbe labalabo iyo midmid markaasna aad fikirtaan inaan saaxiibkiin [Nabiga Muxamed ah] uusan waallayn, uu digihiinna cadaab daran hortiisna uu yahay.
  2. Waxaad dhahdaa Nabiyow, “Idiinma warsanin ujuuro idinkaase iska-leh [haddii laydin warsado] ujuuradayda Eebbe un baa i siin, wax walbana Eebbe wuu daalacan.”
  3. Waxaad dhahdaa, “Eebbehay Xaquu soo dajiyaan [xumaanta ku baabi‘iyaa] waana wax maqan oge badane.”
  4. Waxaad dhahdaa, “Xaqii waa yimid, baadilna waa tirtirmay.”
  5. Waxaad dhahdaa, “Haddaan dhumo waxaan uun u-dhumay naftayda, haddaan hanuunana waa wixii Eebbe ii waxyooday, sababtiisa Eebbe waa maqli dhawe.”

 

Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu Eebbe faray inuu gaalada ku yiraahdo waxaan idiinku waanin inaad labolabo iyo midmid u fikirtaan si aad u ogaataan inuusan Nabigu waallayn ee uu ka digi cadaab daran, wax xoolo iyo ujuura ahna uusan warsanaynin, ee ujuuradiisu Eebbe xaggiisa tahay, illeen Eebbaa wax walba u marag ah oo daalacane, Xaqana Eebbaa ku baabi‘iya xumaanta iyo baadilka, Nabiguna ma dhunsana, haddiibase la qaddaro inuu dhunsan yahay isagay dhibi, hadduu Xaq ku taagan yahay waana dhabtee waana waxyiga iyo mahadda Eebbee maxay gaalo samayn? Eebbena wuu maqli dhaw yahayna. Saba’ (46-50)

 

  1. Haddaad arki lahayd Nabiyow markay argaggaxaan gaaladu oo meeley u cararaan jirin oo meel dhaw laga qabto [waxaad arki lahayd arrin wayn].
  2. Waxay dhihi markaas, “Waxaan rumaynay [Xaqa] xagay uga ahaan inay meel fog wax ku qaataan [rumayn].”
  3. Dhab ahaanna waa iyagii uga gaaloobay Xaqa, horay ay ka tuurayeen waxayan ogayn meel fog.
  4. Waana la kala ooday iyaga iyo waxay doonayeen sidii lagu falay kuwii lamidka ahaa ee ka horreeyay, waxayna ahaayeen kuwo shaki daran ku sugan.

 

Qiyaamadu waa maalin daran, oo dhib iyo shiddo badan lagana argagaxo, markase gaalada si kada ah loo qabto, waqti wax la rumeeyana dhammaaday oo fogaaday illeen adduunkii bay ahayde, iyana waa kuwii adduunka ku gaaloobay ee Xaqa beeniyey ee jaahilnimo iyo wax walba oo xumaan ah ku sheegay waxay jeclaayeenna la kala dheereeyo oo lakala awdo sidii lagu falay kuwii lamidka ahaa ee ka horreeyey illeen Xaqay shakiyeene, muxuu tari calaacal iyo catow, ruuxii caqli lehse waa inuu Xaqa si fiican ugu taagnaado, si uu u-nabadgalo. Qataade wuxuu yidhi, “Iska jira shaki illeen ruuxii shaki ku dhinta waa lagusoo bixin, ruuxi yaqiin ku dhinta waa lagusoo bixine.” Saba’ (51-54)

 

Suurat Faadir

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Mahad Eebbaha billaabay [abuuray] samooyinka iyo dhulka yaa leh kana yeelay malaa‘igta farriin-wade, oo garbo labo labo ah iyo saddex saddex iyo afar afar ah leh, wuuna siyaadiyaa Eebbe abuuridduu doono, Eebbana wax walba uu doono wuu karaa.
  2. Wixii Eebbe dadka ugu nicmeeyo oo naxariis ah wax celin karaa ma jiro, wuxuu celiyaana wax siidayn kara ma jiro dabadiis, waana adkaade falsan.
  3. Dadow xusuusnaada nicmada Eebbe ee korkiinna ah, abuure kale ma jiraa oo Eebbe kasoo hadhay oo idinka arzuqi samada iyo dhulka, Eebbe mooyee ilaah kale [xaq lagu caabudo] ma jiro ee xaggee laydiin ka iili Xaqa?

 

Eebbaha cirka iyo dhulka abuuray ee malaa‘igta diray wax walbana kara yaa mahad mudan, khayrkuu keenana wax celin kara ma jiro, wuxuu reebana wax keeni karaa ma jiro, dadkana waxaa waajib ku ah inay xusuustaan nicmada Eebbe iyo inaan Eebbe mooyeen cid kale wax ka arzuqaynin cirka iyo dhulka. Ibnu Cabbaas (Eebbe isaga iyo aabbihiisba haka raalli noqdee) wuxuu yidhi, “Ma aqoonin macnaha Faadir intaan uga imaado laba nin oo kamid ah baaddiyaha Carbeed oo ku doodi ceel oo midkood ku yidhi kii kale ‘Anaa fadiray (bilaabay qodidda).’” Faadir (1-3)

 

  1. Hadday ku beeniyaan waxaa dhab ahaan loo beeniyay Rasuulladii kaa horreeyay, Eebba xaggiisaana loo celin umuuraha.
  2. Dadaw yabooha Eebbe waa xaq ee yayna idin dhagrin nolosha adduunyo, yuuna idinku dhagrin Eebbe ku dhagris-badane [Shaydaan].
  3. Shaydaanku waa colkiin ee idinna col ka yeesha, wuxuuna idiin ku yeedhi uun xizbigiisa si ay asxaabta Naarta Saciiro u noqdaan.
  4. Kuwii gaaloobay waxay mudan cadaab daran, kuwii Xaqa rumeeyay oo camal fiican falayna waxay mudan dambi-dhaaf iyo ajri wayn.
  5. Ruuxse loo qurxiyay camalkiisa xun oo u arkay inuu fiican yahay [ma lamid baa kaan saas falin?] Eebbe Cidduu doono yuu dhumiyaa ruuxuu doonana wuu hanuuniyaa ee yeyna naftaadu ku tagin walbahaarkooda, Eebbe waa ogyahay waxay samayne.

 

Eebbaheen had iyo jeer wuxuu calool adkayn jiray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) wuxuuna xusuusin jiray Nabiyadii hore iyo waxay kala kulmeen gaaladii oo dhib iyo beenin ah, tan kale wuxuu Eebbe yabooho wuu dhici, mana habboona in lagu kadsoomo adduunyo, Shaydaan kugu kadiyo, illeen waa colka bani-Aadamkee, wuxuuna dooni inaad kamid noqotid xizbigiisa si aad Saciiro ula gashid, xumaanle iyo wanaaglena ma sinna, mana aha in xumaantu kula quruxsanaato, kulana fiicnaato, waase in Eebbe hanuun la warsado xumaantana laga leexdo, Nabiguna waxba kama saarna ciddii iska dhunta oo Shaydaan adeecda. Faadir (4-8)

 

  1. Eebbe waa kan diray dabaysha oy kiciso daruuro markaasaan u kaxayn ee magaalo dhimatay [abaarowday] markaasaan ku noolaynay roobkaas dhulka intuu dhintay kadib, saas weeye soo-bixintiinna.
  2. Ruuxii dooni sharaf Eebbaa iska leh sharaf dhammaanteed, xaggiisayna u koraan kalimooyinka fiican, camalka suubbanna wuu kor-yeelaa, kuwa xumaanta ku dhagra [maamula] waxay mudan cadaab daran, dhagarta kuwaasna way uun halaagi.
  3. Eebbe waa kan idinka abuuray carro, haddana dhibic, markaas lab iyo dhaddig, haweenayna wax uurka kuma qaado mana dajiso ogaansho Eebbe mooyee, ruuxii cimri dheer iyo ruuxii cimri gaabanba waxay ku sugan yihiin Kitaabka Eebbe, waana u fudud yahay.

 

Roobka Eebbaa keena siduu dabaysha roobka hor socotaba u keeno, roobkaasoo uu ku nooleeyo magaalo abaarowday, doogna kasoo baxo sidaasaana loo soo bixin dadka Qiyaamada, sharaf iyo ciziba Eebbaa iska leh dhammaanteed, wanaagguna Eebbuu u koraa, sida uu u kor-yeelo camallada fiican, xumaan iyo dhagarna saaxiibkeeda un bay dishaa oy halaagi, Eebbana waa kan dadka carro ka abuuray (aabbahood Aadan) haddana candhuuf ka abuuray, kana dhiga rag iyo haween wax kastana waa ogyahay Eebbe, uur haweenay, dhalidda cimriga dheer, kan gaaban, wax walbana Eebbe waa u fudud yahay, Xasan al-Basri wuxuu yidhi, hadal lama aqbalo camal-la‘aantiis. Faadir (9-11)

 

  1. Ma eka labada badood taasi waa macaan tahay si daran, taasina waa dhanaan daran mid kastana waxaad ka cunaysaan hilib cusub, waxaadna kala baxdaan macdan aad xidhataan, waxaadna arkaysaan doonta oo jiidhi si aad u dalabtaan fadliga Eebbe iyo inaad ku mahadisaan.
  2. Habeenka yuu Eebbe dhex-galiyaa maalinta maalintana wuxuu dhex-galiyaa habeenka, qorraxda iyo dayaxana wuu sakhiray mid kastana wuxuu ku socdaa muddo magacaaban, saas waxa falana waa Eebbihiin, isagaana xukunka iska leh, waxaadse baryeysaan [caabudaysaan] oo Eebbe kasoo hadhay ma hantaan xuub laf-timireed.
  3. Haddaad u yeedhataana idin ma maqlaan, hadday idinbase maqlaan wax idiima taraan, Qiyaamadana way diidi gaalnimadooda, cid wax og. Sidaana wax kuugu warrama ma jiro.

 

Wabiyada iyo badaha Eebbaa dureeriya qaarna macaaneeya qaar kalana kharaareeya, cunno iyo kalluunna mid kasta ku beeray, si hilib nadiif ah loogu cuno, jawharna loogala baxo, doonyuhuna u dhex mushiixaan, si ay khayraadka Eebbe u raadsadaan, looguna mahdiyo, habeenka, maalinta, qorraxda, iyo dayaxaba Eebbaa sakhiray, si ay u-shaqeeyaan tan iyo muddadii loo qabtay, xukunka caalamka iyo awooddiisana Eebbaa iska leh, wax la wadaaga oo wax laga baryi ama wax maqli ama wax ajiibana ma jiro, sida Eebbaha wax walba og wax kuugu caddeeyana ma jiro. Faadir (12-14)

 

  1. Dadow idinka un baa fuqara ah [u baahan] Eebbe, Eebbena waa hodan amaanan.
  2. Hadduu doono wuu idin dhammayn wuxuuna keeni kuwo cusub.
  3. Arrintaasna wax Eebbe ku culus ma aha.
  4. Nafna naf kale dambigeed ma qaado, haddii loogu yeedho naf culus oo dambaabtay inay xambaarto [danbi naf kale] lagama xambaaro waxba haba noqoto qaraabanee, waxaad uun u-digi kuwa ka yaabi Eebbe iyagoo maqan, oo ooga salaadda, ruuxii is-daahiriyana wuxuu uun isu-daahiriyay naftiisa, xagga Eebbe un baana loo ahaan [geeri dabadeed].

 

Eebbe waa hodan, waana ka kaaftoomaa addoomadiisa, iyaguse waa fuqaro u baahan Eebbe had iyo jeerba, wuxuuna karaa Eebbe inuu halaago ciddii uu doono, kuna baddalo cid kale, wax Eebbe dhib ku ahna ma aha, tan kale nafu naf kale danbigeed ma qaaddo, ee naf walba waxay kasbatay uun baa hor-yaala, qaraabonimana danbi lays kagama qaado, waxayse waanadu anfacdaa kuwa Eebbe ka yaaba iyagoon arkayn, oo salaadda u-dadaala, oo xumaan iska-daahiriya, dadkuna xagga Eebbe un buu u ahaan. Cikrima wuxuu yidhi, “Maalinta Qiyaame darisku dariskuu ku dhagi, qaraabaduna way isku dhagi, ruuxna ruuxa kale wax uma taro Eebbe idamkii mooyee.” Faadir (15-18)

 

  1. Ma eka indhoole iyo wax-arke.
  2. Mana eka mugdiyo iyo iftiin.
  3. Mana eka hoos iyo kulayl.
  4. Mana eka kuwa nool iyo kuwo dhintay, Eebbana wuxuu wax maqashiiyaa cidduu doono, mase maqashiin kartid cid qubuur ku sugan [gaaladuna waa wax dhintay oo kale].
  5. Waxaan u-dige ahayn ma tihid.
  6. Annagaa kugu dirray Xaq adoo bishaarayn oo digi, ummad aan u-dige loo dirinna ma jirto.
  7. Hadday gaaladu ku beeniyaan waxaa wax beeniyay kuwii ka horreeyay, waxay ula timid Rasuulladoodii xujooyin iyo Kutub [waano] oo xukun leh.
  8. Markaasaan qabtay kuwii gaaloobay, sayse noqotay ciqaabtaydii [aan ciqaabay kuwaas]?

 

Eebbeheen Sarreeye wuxuu inoogu caddeeyay tusaale inayna ekeyn indhoole iyo wax-arke, mugdi iyo nuur, ruux dhintay iyo ruux nool. Saasoo kale ma sinna mu‘miniinta iyo gaaladu, Eebbena cidduu doono oo Xaqa jecel yuu wax maqashiiyaa, gaalase quluubtoodu dhimatay wax lama maqashiin karo, Nabigana waa uun dige sidii Rasuulladii ka horreeyay ee la beeniyay, Eebbena ummad qudha kuma dayn jaahilnimo ee cid kasta waxaa loo diray wax u-diga oo Xaqa u caddeeya oo Kutub waano iyo wanaag leh loo soo dhiibay kuwii beeniyayna waa la halligay. Faadir (19-26)

 

  1. Miyaadan arkayn in Eebbe kasoo dajiyay samada biyo markaasna aan kusoo bixinnaa midho ay kala duwan yihiin midabkoodu, buurahana waxaa kamid ah waddooyin cad cad, iyo kuwo guduud ah oo midabo kala duwan leh iyo kuwo madow daran ah.
  2. Dadka iyo dhul-socotada iyo xoolahaba waxaa kamid ah midabo kala duwan saas oo kale.
  3. Kuwa akhriya Kitaabka Eebbe oo salaadda ooga oo wax ka nafaqeeya [ka bixiya] waxaan ku arzaaqnay qarsoodi iyo caddaanba waxay rajayn tijaaro [ganacsi] aan baaraynin.
  4. Si Eebbe ugu oofiyo ajrigooda uguna siyaadiyo fadligiisa, illeen Eebbe waa dambi-dhaafe mahad badane.

 

Eebbe Sarreeye wuxuu ku baraarujin qudradiisa iyo waynida awooddiisa uu abuurayna waxyaalo ku kala duwan midabka sida midhaha oo haddana kusoo baxay biyo kaliya, sido kale buuraha kala duwan, iyo dadka, xoolaha iyo naflayda kalaba, waxaana arrintaas u dhug-yeelan oo ku waano-qaadan culimada Eebbe ka cabsada, waxaa kale oo Eebbe ka warramay in addoomadiisa rumeeyay ay yihiin kuwa akhriya Kitaabka Eebbe (Qur’aanka) kuna camal-fala wuxuu fari, salaaddana ooga waxna bixiya hoos iyo korba, waxayna rajayn kuwaasi ganacsi khayr leh oon baaraynin, Eebbana wuxuu u oofin ajrigooda, wuxuuna u kordhin fadligiisa. Qataade wuxuu yidhi, “Mudarif wuxuu ahaa Eebbe ha u-naxariistee markuu akhriyo aayadan kii dhaha, ‘Aayaddani waa aayada qurraada.’” Faadir (27-30)

 

  1. Kaan kuu waxyoonay ee Qur’aanka ah un baa Xaq ah wixii ka horreeyayna u-rumayn Eebbana addoomadiisa waa ogyahay arkaana.
  2. Markaasaan dhaxalsiinnay Kitaabka kuwaan doorannay oo addoomadannada kamid ah, waxaase kamid ah mid dulmiyay naftiisa, iyo mid dhexdhexaystay, iyo mid ku hanuunay khayrka idanka Eebbe, arrintaasna waa fadli weyn.
  3. Jannada Cadni yeyna gali iyagoo loogu xidhi dhexdeeda asaawir [wax lagu xarragoodo] oo dahab iyo jawharba leh, dharkooduna dhexdeeda waa xariir.
  4. Waxayna dhihi, “Waxaa mahad leh Eebbaha naga tagsiiyay walbahaarka, illeen Eebbeheen waa danbi-dhaaf badane mahad badane.”
  5. “[Eebbihii] na dajiyay guri nagaadi fadligiisa dartiis [Janno] nagumana taabto dhexdeeda dhib, nagumana taabto daal.

 

Qur’aanka Eebbaa u waxyooday Nabiga Maxamed ah (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) waana Xaq sugan oo u-rumayn wixii Xaqa ahaa ee ka horreeyay, waxaana dhaxal u helay Kitaabkaas addoomada Eebbe kooda yar dambaabay, kooda dhexdhaxaystay iyo kooda khayrka ku hanuunay, arrintaasuna waa deeq Eebbe oo wayn, waxayna gali dhammaantood Jannooyin lagu nagaado ooy ku dhex xidhan dhar sharaf leh ooy Eebbe ku mahdin, walbahaarna uu ka dheereeyay dajiyayna guri aan dhib iyo daal midna lahayn (Jannada). Dabaraani wuxuu wariyay Ibnu Cumar inuu yidhi Rasuulkii Eebbe naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee, “Ruuxa ashahaata kuma cidloobo geerida, qabriga iyo soo-bixinta midna.” Faadir (31-35)

 

  1. Kuwii gaaloobay waxay mudan Naarta Jahannamo, laguma xukumo geeri oy dhintaan, lagamana fududeeyo cadaabkeeda, saasaana ku abaal-marinnaa mid kastoo gaalnimo badan.
  2. Waxay ku qayliyi dhexdeeda, “Eebbow naga bixi aan camal fiican oo kaan sameyn jirray ka duwan fallee.” Miyaanaan idin cimri siin muddo uu wax ku xusuusto ruuxii wax xusuusan oosan idiin imaanin dige [Nabiga]? Ee dhadhamiya gaaloy [ciqaabta] uma sugnaanin daalimiin gargaaree.
  3. Eebbe wuxuu ogyahay waxa ku maqan samooyinka iyo dhulka, wuxuuna ogyahay waxa laabta [qalbiga] ku sugan.
  4. Eebbe waa kan idinka dhigay kuwo dhulka iska baddala, ruuxii gaaloobase gaalnimadiisu isagay dhibi, gaaladana uma kordhiso gaalimadoodu Eebbahood agtiisa cadho mooyee, umana kordhiso gaalada gaalnimadu khasaaro mooyee.

 

Had iyo jeer Qur’aanku wuxuu isla-xidhiidhiyaa xaalka kuwa wanaagga fala iyo kuwa xumaanta sameeya, iyo waxa mid kasta loo darbay, aayadahanna waxay sheegi inay gaalo u-sugnaatay Naar ayan ka dhimanayn lagana fududaynayn, waana abaalka gaalnima-badane oo dhan, qaylo iyo Eebbow Naarta naga bixi aan wanaag falee wax ma tarto markaas oo kale, maxaa yeelay cimri wax lagu xusuusto waa la siiyay u-digana wuu u yimid, Eebbana wax walba waa ogyahay isagaana dhulka ku kala baddala dadka, gaalnimo iyo xumaanna waxaan cadho Eebbe iyo khasaare ahayn ma kordhiso, wuxuu yidhi Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Eebbe waa u dhammeeyay cudur-daar ruuxuu dib u-dhigay intuu ka gaadho lixdan sano.” Waxaa wariyay Bukhaari. Faadir (36-39)

 

  1. Ka warrama shariikyada aad baryeysaan ood [caabudaysaan] Eebbe ka-sokow, i tusiya waxay abuureen dhulka, ama wadaag ah oy ku leeyihiin samooyinka, mise waxaan siinnay Kitaab oo ay xujeysan, saas ma aha ee gaalada qaarkood qaar uma yabooho waxaan dhagar ahayn.
  2. Eebbaa ka haya samooyinka iyo dhulka inay gilgishaan [oo tagaan], hadday gilgishaanna waxaan Eebbe ahayn oo qaban ma jiro, Eebbena waa dul-badane dhaafid badan.
  3. Waxay ugu dhaarteen Eebbe dhaar adag hadduu u-yimaado u-dige inay noqdaan kuwa ka hanuunsan [ka toosan] ummadaha kale, markuu u-yimid digihiina uma siyaadinin waxaan carar ahayn.
  4. Isku-kibrin dhulka iyo dhagar xun darteed, dhagarna xumaan waxaan ahayn ehelkiisa kuma dhaco ee miyaad sugaysaan waxaan waddadii kuwii hore ahayn, mana helaysid sunnada Eebbe wax baddala, ma helaysid sunnada Eebbe wax wareejiya.

 

Gaaladu ma keeni karaan wax xujo ah oo ku tusin toosnida waxay caabudi oo Eebbe kasoo hadhay, waxay sheegi ama caabudina waa been aan wax ka jirin, waxaase xaq ah Eebbaha cirka iyo dhulka haya sugayna, gaaladii Qureysheedana in kastooy ku dhaaran jireen in haddii Nabi loo soo diro ay rumayn, haddana markuu Nabigu Xaqa ula yimid way beeniyeen isla-wayni iyo dhagar darted, dhagarna ruuxeeday halaagtaa, taasina waa Jidka Eebbe iyo sunnadiisa wax baddali kara ama leexin karana ma jiro. Waxaa sugnaatay in Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) uu yidhi, “Eebbe Sarreeye ma seexdo mana habboona inuu seexdo, qaybna wuu ridaa midna wuu kor-yeelaa, waxaana u kora camalka habeenka maalinta kahor, ka maalintiina habeenka kahor, waxaana ku xijaaban nuur.” Bukhaari iyo Muslim. Faadir (40-43)

 

  1. Miyeyna ku soconin dhulka oyna dayeynin siday noqotay cidhibtii kuwii ka horreeyey gaaladii Makkaad, waxay ahaayeen kuwo ka xoog badan, Eebbana wax ku cajisiya [daaliya] ma jiro samooyinka iyo dhulka dhexdooda midna, waana oge wax walba kara.
  2. Hadduu Eebbe u qaban dadka waxay kasbadeen [oo xumaan ah] kagama tageen dhulka korkiisa wax socda, laakiin wuxuu dib ugu dhigi tan iyo muddo magacaaban, marka ajashoodu [geeridoodu] timaaddana Eebbe addoomadiisa wuu arkaa.

 

Waxaa habboon in lagu waano-qaato maridda dhulka, si loo ogaado kuwii beeniyay Nabiyada iyo Xaqii iyo siduu Eebbe ku falay, cidhibtoodna noqotay halaag, iyagoo xoog, xoolo, carruur iyo tiraba is-bidayay, waxaasina wax ugama tarin cadaabkii Eebbe iyo ciqaabtiisii midna, Eebbana waa dul-badane, hadduu sida loo dambaabi wax u ciqaabana waxba kuma reebeen dhulka korkiisa, wuxuuse la sugi xisaabta iyo abaal-marinta muddo iyo maalinta Qiyaame, ee ruux walba la kulmi abaalkiisa wax Eebbe ka qarsoonna uusan jirin. Faadir (44-45)

 

Suurat Yaasiin

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Yaa. Siin. [Waxay ku tusin mucjisada Qur’aanka.]
  2. Qur’aanka xikmadda leh yaan ku dhaartaye.
  3. Nabiyow waxaad kamid tahay kuwa la diray [Rasuullada].
  4. Jid Toosanna waad ku sugan tahay.
  5. Qur’aankuna waa soo-dajinta Eebbaha adkaada ee naxariista.
  6. Inaad ugu digto qawm aan loo digin aabbayaalkood oo halmaansan.
  7. Dhab ahaanna waxaa ugu waajibay badankooda [ciqaab] mana rumeeyaan Xaqa.

 

Eebbe wuxuu ku dhaartay Qur’aanka xakiimka ah in Nabiga lagasoo diray xagga Eebbe, loona waxyooday Xaqa, Jid Toosanna uu ku sugan yahay, si Qur’aanka Eebbe kusoo dajiyay uu u gaadhsiiyo dadka iyo gaaladii aan wax Xaqa usheega loo bixinin dhawaanahan, badankoodna halaagsameen Naaruna u waajibtay, kuna dhiman gaalnimo, Eebbana ma dhuminin ee iyagaa madax-adaygay, Xaqana diiday. Ibnu Xayyaan wuxuu ka wariyay Jundub binu Cabdullaahi in Rasuulkii Eebbe yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Ruuxii akhriya Yaasiin habeen Eebbe dartiis waa loo dambi-dhaafi.” Mar kalana wuxuu yidhi Nabigu, “Waxaan jeclaan lahaa inay ahaato qalbiga ruux kasta oo ummadayda ah.” Waxaa wariyay Bazaar. Yaasiin (1-7)

 

  1. Annagaa yeelnay cunahooda bir waxayna qaban tan iyo gadhka madaxayna kor u taagi [dhibaato darteed].
  2. Waxaana yeelnay hortooda jidaar gadaashoodana jidaar waana indha-tirnay waxna ma arkaan.
  3. Waxaa isku-mid ah haddaad u digto iyo hadaadan udigin [marna] ma rumeeyaan.
  4. Waxaad un u digi [ooy anfici digiddu] ruuxii raaca Qur’aanka oo Eebbe ka yaaba isagoon arkayn, uguna bishaaree dambi-dhaaf iyo ajir wanaagsan.
  5. Annagaa nooleyna wixii dhintay, waana qornaa waxay hor-marsadeen iyo raaadkoodiiba, wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab muuqda.

 

Xaq-diidayaashu ma doonayaan hanuunka Eebbe, waxayna lamid yihiin ruux luquntiisa iyo gacmihiisa laysku xidhay oo madaxa kor u taagi, ama darbi lagu dayray, ama indhihiisa la daboolay, haddii wax loo sheego iyo haddii kalana waa isku-mid oo Xaqa ma rabaan, waanadana waxaa ku intifaaci ruuxii Qur’aanka raaci oo Eebbe ka yaabi, wuxuuna Eebbe ugu bishaareeyay kuwaas dambi-dhaaf iyo ajri wayn, maxaa yeelay Eebbaha awoodda leh yey ka yaabeen iyagoon arkeynin, Eebbahaas waxna nooleeya wax kastana Kitaab ku kulmiya. Nabiguna wuxuu yidhi, “Ibnu-Aadanku hadduu dhinto wuu go‘aa camalkiisu saddex mooyee: cilmi lagu intifaaco, ilmo fiican oo u-duceeya, iyo sadaqo socota gadaashiis.” Waxaa wariyay Muslim. Yaasiin (8-12)

 

  1. Uga yeel tusaale asxaabtii magaaladii markay u-yimaadeen Rasuulladii [loo soo diray].
  2. Markaan u-dirnay xaggooda labo, ooy beeniyeen, markaas aan ku xoojinnay mid saddexaad, oy dhaheen, “Idinkaa naloo kiin soo diray.”
  3. Waxayna dhaheen [gaaladii], “Idinku ma tihidiin waxaan bashar [dad] na lamid ah ahayn, Eebbaha Raxmaan ahna waxba masoo dajinin, idinkuna waxaan been ahayn ma sheegaysaan.”
  4. Waxay dhaheen [Rasuulladii], “Eebbahannaa og in naloo kiin soo diray.”
  5. “Korkannagana ma aha waxaan gaadhsiin cad ahayn.”
  6. Waxay dhaheen [gaaladii], “Waan idin baasaysannay, haddaydaan joogin waan idin dhagaxyeynaynaa, waxaana xagganaga idinka taaban cadaab daran.”
  7. Waxay dhaheen Rasuulladii, “Baaskiinu wuu idinla joogi, haddii laydin waaniyo [miyuu baasku idin la jiri?] Waxaadse tihiin qawm xad-gudbay,

 

Gaaladii Nabiga beenisay wax badan yuu Eebbe tusaale u sameeyay, halkanna wuxuu ka qisooday magaalo ummadihii hore ah oo Eebbe usoo diray Rasuullo laba ah, markii la beeniyeyna mid saddexaad lagu xoojiyay, hase yeeshee ay wada beeniyeen iyagoo sheegay inaan Eebbe wax kusoo dajinin, Rasuulladuna ay ku dhaheen, “Eebbaa og in naloo kiin soo diray, waxaan digniin iyo gaadhsiin cad ahayna nama saarna.” Ibnu Cabbaas wuxuu sheegay inay ahayd magaaladaasu Antaakiya oo gaal xukumi jiray. Yaasiin (13-19)

 

  1. Waxaa ka yimid magaalada dhankeeda fog nin dagdagi [ordi] wuxuuna ku yidhi, “Qawmkayow raaca Rasuullada.”
  2. “Raaca cid aan idin warsanayn ujuuro, oo hanuunsan.”
  3. “Maxaanan u caabudaynin Eebbihii i abuuray xaggiisana laydiin celin?”
  4. “Miyaan ka yeelan wax kasoo hadhay ilaahyo hadduu Eebbaha Raxmaan ah dhib ila doono ayan wax ii tareyn shafeecadoodu waxba, ayana i korinayn?”
  5. “Markaas waxaan ku sugnaan baadi muuqata [cad].”
  6. “Anigu waxaan rumeyay Eebbehiin ee maqla.”
  7. Waxaa lagu yidhi, “Gal Jannada,” wuxuuna yidhi, “Shallaytadaydee qawmkaygii muu ogaado.”
  8. “Waxa Eebbe iigu dambi-dhaafay iigana yeelay kuwo la karaameeyey.”
  9. Kuma aanaan dajinin qawmkiisii gadaashiis januud samada ka timid, mana aanaan kusoo dajinin.
  10. Waxaan qaylo kaliya ahayna laguma halaagin oo markaas ay bakhtiyeen [halaagsameen].

 

Had iyo jeer markii la arko dad xun waxaa la arkaa oo kale dad wanaagsan sida ninka Xaqa rumeeyay ee aayadahani ka warrami iskuna dayay inuu hanuuniyo qawmkiisii, isagoo usheegi in Eebbe kaliya muto in la caabudo, waxa kasoo hadhayna ayna wax la caabudo ahayn iyo kuwo wax tari midna, markuu xaalkii ku adkeeyayna ay dileen, markaas Eebbe Janno ugu abaal-guday, isna markaas uu bishaaraystay isagoo dhihi, “May ogaadaan qawmkaygii sida Eebbe ii wanaajiyay iigana mid dhigay kuwa la sharifay,” kadibna xaalkii wuxuu ku dambeeyay in la halaagay gaaladii. Taasina waa abaalka Xaq-diidayaasha. Qataade wuxuu yidhi, “Halla kulmin mu‘min adoon u nasteexaynaynin oo khayaani.” Yaasiin (20-29)

 

  1. Nidaamo [qoomamo] yaa u sugnaatay addoomada Rasuulkii u yimaadaba waxay ahaadaan kuwo ku jeesjeesa.
  2. Miyayna arkeyn intaan halaagnay hortood quruumo, aan xaggooda usoo noqonayn.
  3. Dhammaanna waxaa lagu soo kulmin agtannada.
  4. Waxaa calaamo u ah dhulka dhinta [abaarooba] oo noolayno kana soo bixino midho ay wax ka cunaan.
  5. Waxaana yeellay dhexdeeda beero timir iyo cinabyo ah, waxaana ka dillaacinay dhexdeeda ilo [biyo ah].
  6. Si ay u cunaan midhihiisa iyo waxay camal-faleen gacmahoodu, miyeyna mahdinaynin Eebbe?
  7. Waxaana nazahan Eebbaha abuuray noocyada dhammaanteed oo ah waxa dhulku soo dhaliyo iyo naftoodaba iyo wax ayna ogayn.

 

Dadka waxaa ku badan kuwo khasaaray oo xumaan iyo Xaq-beenin ku madax-taaga Eebbana in kastoo uu dul badan yahay haddana daalimiinta wuu halaagaa, isagoo ruux walba la hor-gayn Eebbihiis, ciddii waantoobina waxaa waano ugu filan dhulka abaarooba ee Eebbe roobka ku shubo kadibna midho, doog iyo khayr badan kasoo baxo, waxaana xumaan ka fog Eebbaha abuuray noocyada dhammaantood. Yaasiin (30-36)

 

  1. Waxaa dadka calaamo ugu filan habeenkaan maalinta kasoo siibno, oo markaas ay mugdi galaan dadkii.
  2. Qorraxduna waxay ku oroddaa meelay leedahay, taasina waa qadaraadda Eebbaha adkaada ee wax walba og.
  3. Dayaxana waxaan u-qadaray [u-yeelay] meelo uu ku hoydo intuu ka noqdo sida laan gabowday oo kale.
  4. Qorraxdana uma suurowdo inay haleesho dayaxa habeenkana uma suurowdo inuu maalinta ka hor-maro, mid kastana falaggiisuu dhex dabaalan.
  5. Waxaa calaamo ugu filan dadka inaan ku xambaarnay aabbayalkood doontii buuxday.
  6. Waxaana uga abuuraynaa iyada oo kale waxay koraan.
  7. Haddaan doonana waan maansheynaa wax u gargaarana ma helaan lamana koriyo.
  8. Naxariis Eebbe iyo u-raaxayn tan iyo waqti mooyee.

 

Runtu waa in habeenka, maalinta, qorraxda, dayaxa iyo khalqiga kalaba yihiin calaamooyinka ku tusin jirida Eebbe iyo awooddiisa, mid walbana wuxuu u shaqeeyaa sidii Eebbe ugu talo-galay, mid kan kale dhaafi ama haleelina ma jiro, wuxuuna mid walbana dhex dabaalan falaggiisa, waxaa kale oo calaama u ah Eebbe awooddiisa siduu badda u-sakhiray si doomuhu iyo maraakiibtu u-dhex-socdaan, haduu Eebbe doonana uu karo inuu maasheeyo kuna dajiyo badda, hasa yeeshee wax walba waqti buu u yeelay. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Falaggu waa sida dhar-tolaha.” Mujaahidna wuxuu yidhi, “Falaggu waa sida dhagaxashiidka ama dhar-tolaha.” Yaasiin (37-44)

 

  1. Marka gaalada lagu dhaho, “Ka dhawrsada waxa hortiina ah iyo waxa gadaashiina ah waxaad u dhawdihiin in laydiin naxariistee [ma maqlaan].”
  2. Aayad kasta oo u timaadda oo kamid ah aayaadka Eebbahood way ka jeedsadaan.
  3. Marka lagu dhaho, “Bixiya waxa Eebbe idinku arzuqay wax kamid ah,” waxay ku dhahaan kuwa gaaloobay kuwii rumeeyay, “Ma waxaan quudinaynaa cid hadduu doono Eebbe uu quudin lahaa, waxaan baadi cad ahayna kuma sugnidin.”
  4. Waxay odhan gaaladu, “Waa goorma [waqtiguu dhici] yaboohaas [Qiyaamadu] haddaad run sheegaysaan?”
  5. Ma sugaayaan [gaaladu] hal qaylo mooyee oo qabanaysa iyagoo doodi.
  6. Mana karaan dardaaran ehelkoodiina uma soo noqdaan.

 

Ruuxa caqliga leh waa inuu u darbado in laga abaal-marin wax kastoo uu la yimaado, hase yeeshee gaalada caqliga daran iyo wixii lamid ahba waxba uma aabbayeelaan, marka arrintaas la farana dhag jalaq uma siiyaan, wax kastoo Xaq ahna way ka jeedsadaan, waxa Eebbe ugu nicmeeyayna way ku bakhaylaan, waxayna ku jawaabaan xumaan, jeedsi iyo qiyaamo-inkir, maxayse fali markay hal qaylo oo halaagta iyo geeridu u-timaaddo iyagoo muran iyo dood ku jira, oo markaas aan dardaaran iyo ku noqosho guri midna u suuroobaynin. Yaasiin (45-50)

 

  1. Suurkaa la afuufi markaasaa dadku qubuurahooda xagga Eebbahood ugasoo dagdagi.
  2. Iyagoo dhihi gaaladu, “Waan khasaarnaye, yaa naga soo bixiyey meeshaan jiifnay [qabrigii]?” Taasina waa wixii Eebbaha Raxmaan ah yaboohay Rasuulladuna ku run-sheegeen.
  3. Waxaan qaylo kaliyo ahayn ma aha, maarkaasaa dhammaantood agtannada lagusoo kulmin.
  4. Maantana [Qiyaamada] lagama dulmiyo nafna waxba, laydiin kana abaal-marin maayo waxaad camal-falayseen mooyeen.
  5. Asxaabta Jannada [ehelkeeda] maanta waxay ku shuqloon yihiin nicmo iyo farax.
  6. Iyaga iyo haweenkooduba waxay ku sugnaan hadh, waxayna ku dangiigsanaan sariiro [sare].
  7. Waxayna dhexdeeda ka heli faakihad, waxayna heli waxay dalbaan.
  8. Salaan Eebbaha naxariista xaggiisa ka timidna way heli.

 

Qiyaamadu waa xaq sugan, wayna imaan, dadkuna qubuurahay kasoo bixi, iyadow kuwa xunxun dhihi “Shalleytee yaa nagasoo bixiyey qabrigii aan jiifnay?” Waxaana loogu jawaabi, “Waa waqtigii Eebbe yaboohay Rasuulladuna ku run-sheegeen, soo-kulmintuna Eebbe kuma cusla ee hal qaylo oo malag ku qayliyo yaa ku filan, Eebbana cidna ma dulmiyo, ruux walbana waxaa laga abaal-marin wuxuu camal-fashay, ehelo Jannahana waxay ku nasan maalintaas hoos, sariiro iyo cunno raaxa leh, xagga Eebbana waxaa uga iman salaan nabadgalyo. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Ma jiraa cid u xanjeeran Jannada, Jannadu khatar ma leh, Eebbaha Kacbadee nuur baa kulligeed ka ifi, Reyxaantuna way gilgilan, guryana way ka dhisan yihiin. Waxaa wariyey Ibnu Maajah. Yaasiin (51-58)

 

  1. Soocma maanta danbiilayaalyahow [gaalada].
  2. Miyaanan idinkula ballamin banii-Aadamow inaydaan caabudin Shaydaan, illeen col muuqda yuu idiin yahay?
  3. Ood ani i caabuddaan, taasina waa Waddada Toosan.
  4. Dhab ahaan wuxuu u-dhumiyay [Shaydaan] xaggiina dad badan, miyaydaan wax kasaynin?
  5. Tanina waa Jahannamadii laydiinku yaboohay.
  6. Ee gala maanta gaalimadinnii darteed.
  7. Maanta waxan daboolaynaa afkooda, waxaana nala hadli gacmahooda waxaana ku marag furi lugahooda waxay kasban jireen.
  8. Haddaan doono waan indha-tiraynaa oo markaas ay u-dagdagaan waddada, sayse u arki?
  9. Haddaan doonana waan doorinaynaa, mana karayaan tagid iyo soo-noqosho midna.
  10. Ruuxaan cimri siinno waxaannu ku gaddin abuuridda [waannu tabar yarayn] ee miyaydaan wax kasayn?

 

Maalinta Qiyaame waa la kala bixi, gaaladana meel gaar ah yaa looga sooci mu‘miniinta, dadkana wuxuu Eebbe warsan inay ballan-qaadeen in Eebbe la caabudo Shaydaanna laga digtoonaado, illeen waa colka wax badan dhumiyee, gaalana waxay gali Naarta Jahannamo iyagoo la aamusiyay oo gacmahoodu iyo lugahoodu hadli, Eebbana hadduu dono dadka wuu indha-tiri, hadduu doonana wuu doorin iyagoo sii-noqod iyo soo-noqod karayn. Abuu Hurayra waxaa laga wariyay in Rasuulkii Eebbe yidhi (naxariis iyo nabadgalayo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Markay maalinta Qiyaame tahay Eebbe wuxuu amraa Jahannamo waxaana kasoo baxa cunno madow oo dhihi, ‘Dambiilayaashow soocma maanta, waana la kala bixi isagoo la gurguuran.” Waxaa sheegay Ibnu Jariir. Yaasiin (59-68)

 

  1. Maanaan barin Nabiga shicirka, kumana habboona, waxaan [barna] un waano iyo Qur’aan cad.
  2. Si uu ugu digo ruuxii nool [Xaqa raaci] cadaabna ugu sugnaado gaalada.
  3. Miyeyna arkaynin inaan uga abuuray waxaan sameynay xoolo ay hantaan?
  4. Oon u-laylinay, ooy waxna ka koraan waxna ka cunaan.
  5. Waxaana ugu sugan manfacado iyo cabbid ee miyayna mahdinaynin Eebbe.
  6. Waxay ka yeesheen Eebbe ka soke ilaahyaal inay u gargaaraan.
  7. Mana karaan gargaarkooda waxayna u yihiin junuud [askar] kulmisan.
  8. Ee yeyna ku walbahaar-galinin hadalkoodu annagaa og waxay qarsan iyo waxay muujin ee.

 

Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) Eebbe waa ka fogeeyey inuu baro shicir iyo gabay, ee wuxuu Eebbe kusoo dajiyay Qur’aan xaq ah, si loogu digo ciddii qalbigeedu nool yahay, gaaladana uu xujo ugu noqdo. Eebbana nicmooyin badan yuu ugu nicmeeyey dadka, sida xoolaha oo una layliyay si loogu nafciyo, hase yeeshee dadka badankiis Eebbe kuma mahdininee waxay yeesheen ilaahyaal ay agtuban yihiin oon waxba u tarayn, yaynase ku walbahaar-galinin Eebbe waa og yahay sirtooda iyo caddaankoodee. Rasuulku wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Inuu ka buuxsamo bagga midkiin malaxyaa ka khayr-roon inuu ka buuxsamo gabay [xun].” Waxaa sheegay Imaam Axmed. Yaasiin (69-76)

 

  1. Miyuusan arag dadku [oo ogayn] inaan ka abuurnay dhibic, markaas uu noqday dood-badane cad.
  2. Wuxuuna noo yeelay tusaale wuuna halmaamay abuurkiisa wuxuuna yidhi, “Yaa noolayn lafo baaliyoobay?”
  3. Waxaad dhahdaa, “Waxaa noolayn Eebbihii ahaysiiyay markii horaba, abuur walbana waa ogyahay.
  4. Eebbaha idiinka yeelay geedka cagaaran dab, oo markaas aad hursataan.
  5. Eebbaha abuuray samooyinka iyo dhulka miyuusan karin inuu abuuro isagoo kale, waa karaa, waana abuur-badane ogaansho badan.
  6. Amarka Eebbena markuu wax inuu abuuro doono waa inuu ku yidhaahdo uun “Ahaw!” oo uu ahaado.
  7. Waxaa nazahan [xumaan ka fog] Eebbaha awooddiisu ku jirto xukunka wax kasta, xaggiisana laydiin soo celin.

 

Aayadahanu waxay soo dageen markuu gaal la dhihi jiray Ubayyi binu Khalaf uu u yimid Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) isagoo wata lafo duqoobay intuu burburiyayna oo dabaysha raaciyay yidhi, “Ma waxaad sheegi in tan Eebbe soo noolayn?” Markaasuu Nabigu ku yidhi, “Haa wuu ku dili Eebbe haddana kusoo noolayn Naartana ku galin.” Eebbaha dadka dhibic ka abuuray ee geedaha dabka ka ahaysiiyay wax walbana abuuray, cirka iyo dhulkuna awooddiisa ku jiraan markuu doonana ku dhihi waxaas “Ahaw!” markiibana ahaada miyaan karin inuu soo celiyo mar labaad dadka ama ka daali Eebbana wuu ka sareeyaa oo ka nazahan yahay xumaan, xaggiisaana dhammaan loo noqon kadibna uu abaal-marin cid walba. Yaasiin (77-83)

 

Suurat as-Saaffaat

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. [Waxaan ku dhaartay] malaa‘igta safari.
  2. Iyo tan kaxaysa daruuraha.
  3. Iyo tan akhrida Qur’aanka.
  4. Ee Ilaahiin waa mid [qudha].
  5. Waa Eebbaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya, iyo Eebbaha qorrax-kasoo-bixidda.
  6. Annagaa ku qurxinay samada dhaw quruxda xiddiga ah.
  7. Iyo ka-dhowrid shaydaan kastoo madax-adag.
  8. Mana dhagaystaan jameecada sare [malaa‘igta] waxaana laga soo tuuraa dhan kasta.
  9. Iyagoo la eryi oo cadaab joogta ah u-sugnaaday.
  10. Marka laga reebo mid mid dafa hadalka oo uu raaco danab ifi.

 

Waxay ku billaabatay suuraddu inuu Eebbe ku dhaartay malaa’igta inuu kali yahay iyo samada iyo dhulka iyo wax walba awooddiisa ku jiraan, iyo inuu cirka ku qurxiyay xiddigo kana reebay Shaydaanka inuu u dhawaado ama wax ka dhagaysto. Qataade wuxuu yidhi, “Xiddigaha waxaa loo abuuray saddex: shayadiinta oo lagu gano, nuur lagu tooso (oo lagu garto jahooyinka) iyo quruxda samada dhaw.” As-Saaffaat (1-10)

 

  1. Waydii gaalada ma iyagaa ku daran abuuridda mise waxaan abuuray, annagaa ka abuurray dhoobo dhagta.
  2. Waxaadse la yaabtay [beenintooda] iyaguna way jeesjeesi.
  3. Marka la waaniyana ma waantoobaan.
  4. Hadday calaamo arkaanna way ku jeesjeesaan.
  5. Waxayna dhahaan, “Kani waxaan sixir cad ahayn ma aha.”
  6. Waxayna dhahaan, “Ma markaan dhimanno oon carro noqonno iyo lafo yaa nala soo bixin?”
  7. “Ama aabbayaalkannagii hore [iyagana malasoo celin?]
  8. Waxaad dhahdaa, “Haa waa laydin soo celin idinkoo waliba dullaysan.”
  9. Xaaladduna waa uun qaylo kaliya markaas, waxaa soo bixi dadkii oo wax eegi.
  10. Waxayna dhihi gaaladii, “Halaagganagee kan waa maalintii abaal-marinta.”
  11. Waxaana lagu dhihi, “Kani waa maalintii kala-bixinta ee aad beenin jirteen.”
  12. Kulmiya kuwii daalimiinta ahaa iyo wixii lamid ahaa iyo waxay caabudi jireen.
  13. Oo Eebbe kasoo hadhay, tusiyana jidka Jaxiimo.
  14. Joojiyana wax baa la waydiine.
  15. [Waxaana lagu dhihi] “Maxaad leedihiin oydaan isugu gargaaraynin?”
  16. Saas ma aha ee maanta way is-dhiibeen.

 

Eebbe kor-ahaaye wuxuu faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu gaalada soo-bixinta diiddan warsado ma iyagaa ka daran khalqiga kale, waxayse ku jawaabeen dafiraad iyo jeesjees iyo xumaan, waase lasoo bixin Qiyaamada iyagoo dullaysan, oo calaacali, waxaase loo sheegi inay tahay maalintii abaal-marinta iyo wax la warsan lana tusi jidka Naarta Jaxiimo, isagoo is-dhiibi maalintaas. Cumar binu Khaddaab wuxuu sheegay in zaaniga lala kulmin zaaniga, kan ribadana kan ribada, kan khamridana kan khamrida. As-Saaffaat (11-26)

 

  1. Wuxuu qaabilay qaarkood qaarki kale iyago wax is-warsan.
  2. Waxayna dheheen kuwii wax raacay [raaciyadii], “Waxaad ahaydeen kuwo nooga yimaada xagga midig [wanaagga].”
  3. Waxay dheheen madaxdii, “Ma aha ee idinkaan mu‘miniin ahayn.”
  4. “Wax xoog ah oon idin ku lahayn ma jirin waxaadse ahaydeen qawm xad-gudbey.”
  5. “Markaasuu nagu waajibay [nagu rumoobey] hadalkii Eebbe [ciqaab] waxaana dhadhaminaynaa [cadaabka].”
  6. “Markaasaan idin dhuminay annaguna waan dhunsanayn.”
  7. Iyagu maalintaas cadaabkay wadaagi.
  8. Annaguna saasaan ku fallaa dambiilayaasha.
  9. Waxayna ahaayeen marka lagu dhaho Eebbe mooyee ilaah kale [xaq lagu caabudo] ma jiro kuwa is-kibriya.
  10. Oo dhaha, “Ma waxaan uga tagaynaa ilaahyadannada gabayaa waalan?”
  11. Saas ma aha ee wuxuu la yimid [Nabigu] xaq wuuna rumeeyey Rasuulladii [Eebbe soo diray].

 

Aayadahan wuxuu Eebbe ku sheegay in maalinta Qiyaamaha gaaladu qaarkood qaarka kale dagaali sida madaxda iyo kuwii xumaanta ku raacay, ugu dambeyntana waa in dhammaantood baadi ahaayeen cadaabkana ay ku kulmi mar hadday xumaanta ku kulmi jireen, maxaa yeelay waxay iska waynayn jireen marka lagu dhaho Eebbe mooyee ilaah kale (xaq lagu caabudo) ma jiro, iyo inay Nabiga xumaan iyo waalli ku sheegaan isagoo Xaq iyo rumaynta Rasuulladii Eebbe la yimid, taasuna waxay muujini in xumaanta iyo fasaadka oo laysku raaco ay sababin calaacal ciqaab Aakhiro. Ee waa in wanaagga lays faraa xumaantana laysaga digo. As-Saaffaat (27-37)

 

  1. Idinku [gaaloy] waxaaad dhadhamisaan cadaabka daran [wax xanuujiya].
  2. Waxaan camalkiinna ahayna laydin kama abaal-mariyo.
  3. Addoomada Eebbe ee niyadda san [xumaan ma arkaan].
  4. Waxayna mudan kuwaasi rizqi la yaqaanno [Janno].
  5. Faakihadna way heli, iyagoo lagu sharfi.
  6. Jannooyinka Naciima.
  7. Waxayna ku sugnaan sariiro iyagoo is-qaabili.
  8. Waxaana lala kor-socon weel laga soo buuxiyay il [Janno].
  9. Taasoo cad oo u macaan kuwa cabbi.
  10. Mana laha caqli-qaadid iyo waalli midna [khamrada Jannada].
  11. Agtoodana waxaa ahaan haween dhawrsoon oo indha waaweyn.
  12. Ood mooddo ukun la dhawray.

 

Xumaanle waa laga abaal-marin xumaantiisa, isagoon la dulmiyayn, addoomada Eebbe ee suubbanse waxay heli Janno, nicmo, sharaf iyo nolol wanaagsan, waxaana u adeegi wiilal darban, waxaana loo darbi wax wanaagsan ooy cabbaan ooy kamid tahay khamri Janno oo xalaal ah oon madax-xanuun iyo waalli midna lahayn, waxaana loo dhammayn wanaag. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Khamrada adduunka waxaa ku sugan afar arrimood: waalli, madax-xanuun, mantag iyo kaadi (badan).” Tan Aakhirase waa ka duwan tahay sida aayadda badan sheegeen iyo hadalka Nabigu. As-Saaffaat (38-49)

 

  1. Wuxuuna qaabbilay qaarkood qaarka kale [ehlu-Jannaha] iyagoo wax is-waydiin.
  2. Wuxuuna dhihi mid hadlay oo kamid ah, “Waxaan ku lahaa [adduunkii] saaxiib.”
  3. “Dhihi jiray adigu ma waxaad kamid tahay kuwa rumeeyay [soo-bixinta]?”
  4. “Ma markaan dhimanno oon carro noqonno iyo lafo yaa nala abaal-marin?”
  5. Wuxuuna dhihi, “Mayla dayeeysaan?”
  6. Markaasu dayaa kuna arkaa Jaxiima dhexdeeda.
  7. Wuxuuna dhahaa, “Eebbaan ku dhaartayee, waxaad u-dhaweyd inaad i halaagto [i dhumiso].”
  8. “Haddayna nicmada Eebbe jirinna waxaan ahaan lahaa kuwa lagu soo kulmiyay [Naarta].”
  9. [Waxayna dhahaan ehlu-Jannuhu] “Miyeynaan dhimaneynin?”
  10. “Geerideennii hore mooyee laynama cadaabayn.”
  11. Taasina waa uun liibaanta wayn.
  12. Ee taasoo kale ha faleen kuwa camal fali.

 

Waxaa horey loo soo sheegay inay ehlu-Naarku (Eebbe hanaga dheereeyee) is-qaabili iyagoo calaacali oo is-canaanan madax iyo raaciyadba, iyagoo isu-dhihi, “Adaa ii lahaa,” iyo “Adaa i dhumiyay.” Halkanna waxaa lagu sheegay ehlu-Jannaha iyo inay is-qaabili iyagoo ka sheekaysan saaxiibbadoodii adduunka ee xumaa iyo sida Eebbe uga koriyay uguna nicmeeyay, taasoo ayan ka dhimanayn. Xasan al-Basri wuxuu yidhi, “Waxay ogaadeen [ehlu-Jannuhu] in nicmo kasta geeri goyso, markaasay dheheen, ‘Miyaynaan dhimanayn?’” As-Saaffaat (50-61)

*Ma nihin kuwo dhiman miyaa?

*Geeridii hore mooyee, mana layna cadaabayo!

 

  1. Ma taasaa martiqaad u fiican [Jannada] mise geedii zaquum [xumeyd]?
  2. Annagaa uga yeelnay fitno [imtixaan] daalimiinta.
  3. Waana geed kasoo baxa gunta Jaxiimo.
  4. Midhaheeduna waxaad mooddaa madaxyo shaydaan.
  5. Iyaguna [ehlu-Naarku] wax bay ka cunaan, waxayne ka buuxiyaan caloosha.
  6. Waxayna kalooy mudan dheehid biyo kulayl daran.
  7. Markaas waxay ku noqon Jaxiimo.
  8. Waxay heleen aabbayaalkood oo baadi ah.
  9. Iyaguna raadkoodii bay ku dagdagi.
  10. Waxaa dhab ahaan u dhumay hortood badi kuwii hore.
  11. Waxaana u dirnay dhexdooda u-digayaal.
  12. Ee eeg siday noqotay cidhibtii kuwii loo digay.
  13. Hasa yeeshee addoomadii Eebbe ee niyadda samaa [cadaab ma arkaan].

 

Eebbe (Weynaaye) markuu soo sheegay ehlu-Jannaha iyo wuxuu ku abaal-mariyay yuu raaciyay geed xun oo iagu margado laguna quudiyo ehlu-Naarka, taasoo lagu fidmeeyay intay adduunka joogeen. Sida gaalkii Abuu Jahal oo yidhi markuu maqlay geedkaas, “Ma waxaan timir iyo burcad aan cunno ahayn baa?” Mase aha siduu sheegayee waa geed daran oo madax shaydaan leh kana soo baxa Jaxiima salkeeda, ehlu-Naarkana isku cuno iyada iyo biyo kulayl badan hoygooduna waa Jaxiimo, maxaa yeelay aabbayaalkood oo dhunsan yey heleen kuna raaceen xumaanta, iyaga kahorna waxaa dhumay kuwii horreeyey badidood inkastoo loo diray u-dige waana la ciqaabay. Ibnu Cabbaasna wuxuu yidhi, “Haddii in yar oo geedkaas ah lagu dheeho badaha adduunyada waxay ka fasaadin lahayd dadka dhulka jooga noloshooda, ee waa sidee ruuxay cunna u tahay?” Waxaa sheegay Tarmidi. As-Saaffaat (62-74)

 

  1. Waxaa dhab ahaan noogu dhawaaqay [beryey] Nabi Nuux, cid wax ajiibana [maqlana] Annagaa u fiican.
  2. Waxaana ka korinnay isaga iyo ehelkiisiiba shiddadii waynayd [maanshayntii].
  3. Waxaana ka yeelnay faraciisii kuwa soo hadhay uun.
  4. Waxaana ugu reebnay kuwo dambeeya [amaan ah].
  5. Nabadgalyo Nuux korkiisa adduunyada ha u dhex ahaato.
  6. Saasaana ku abaal-marinnaa sama-falayaalka.
  7. Wuxuuna kamid yahay addoomadannada rumeeyay [Xaqa].
  8. Markaasaan maanshaynay kuwii kale,
  9. Waxaa kamid ah gargaarayaashiisa [jidkiisa qaaday] Nabi Ibraahiim.
  10. Markuu ula yimid Eebbihiis qalbi fayow [Xaq rumeeyey].
  11. Markuuu ku yidhi aabbihiis iyo qawmkiisii, “Maxaad caabudaysaan?”
  12. “Ma been-abuurasho yaad ilaahyo Eebbe kasoo hadhay u dooranaysaan?”
  13. “Maxaadse ka maleysaneysaan Eebbaha caalamka?”

 

Qisada Nabi Nuux iyo qawmkiisii iyo sida Eebbe u koriyay isaga iyo intii raacday, una halaagay gaaladii beenisay wax badan bey Qur’aanka kusoo aroortay, sidoo kale Nabi Ibraahiimkii waddadii Xaqa ahayd ku raacayna isna wax badan yaa Qur’aanku ka warramay, iyo sida Eebbe qalbigiisa u wanaajiyay Xaqana u raaciyey, iyo wixii dhex maray isaga iyo aabbihiis iyo qawmkiisii oo dhib iyo Xaq u-sheeg ah, maxaase Eebbe laga malaysan haddii xumaan lagu madax-adkaado iyo gaalnimo? Xasan al-Basri wuxuu yidhi, “Qalbiga fayow waa kan ka nabadgalay gaalnimo.” As-Saaffaat (75-87)

 

  1. Markaasuu eegay [Nabi] Ibraahiim xiddigaha.
  2. Wuxuuna yidhi, “Waan bukaa.”
  3. Markaasay ka tageen kana jeedsadeen.
  4. Markaasuu aaday ilaahyaalkoodii [sanamyadii] wuxuuna ku yidhi, “Miyeydaan [wax] cunayn?”
  5. “Maxaad leedihiin oydaan la hadlaynin.”
  6. Markaasuu ku foorariyay midigta oo ku garaacay.
  7. Wayna soo qaabileen gaaladii xaggiisa iyagoo dagdagi [markuu jajabiyay].
  8. Wuxuuna ku yidhi, “Ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan [sameyseen]?
  9. “Eebbaana idin abuuray idinka iyo waxaad camal-falaysaan.”
  10. Waxayna dheheen, “U-dhisa meel [dab lagu shido] kuna tuura jaxiimo [dabka].”
  11. Waxay la dooneen dhagar iyagaana ka yeellay kuwo hooseeya [laga adkaaday].

 

Aayadahan waxay ka warami Nabi Ibraahiim iyo qawmkiisii sida suurada kalaba loogaga hadlay haddana wuxuu u-sheegay inuu jirran yahay marey rabeen inay baxaan si uu u-jajabiyo sanamyadooda, wuuna burburiyay intuu la hadlay kuna yidhi, “Wax ma cuneysaan?” Gaaladii markay arkeen way cadhoodeen meel dab lagu shido yeyna u-sameeyeen Nabi Ibraahiim, wayna ku tuureen, Eebbaase ka badbaadiyay, dhagartoodiina ka yeelay baaba’, dullina ku danbeysiiyay. Qataado wuxuu yidhi, “Xiddiguu dayey, waa cirkuu dayey isagoo fikiri.” As-Saaffaat (88-98)

 

  1. Wuxuu yidhi, “Anigu waxaan aadi Eebbahay [hijro] wuuna i toosin.”
  2. “Eebbow wax iga sii kuwa suubban [ilmo].”
  3. Waxaana ugu bishaaraynay wiil dabeeco san.
  4. Markuu ku gaadhay agtiisa socod wuxuu ku yidhi [Nabi] Ibraahiim, “Wiilkayow waxaan ku arkay hurdada anoo ku gawrici ee eeg waxaad fali,” wuxuuna yidhi, “Aabbow samee waxa lagu faray waxaad heli hadduu Eebbe doono inaan kamid noqdo kuwa samree.”
  5. Markay hoggaansameen oos u lagday wajiga.
  6. Yaan u-dhawaaqnay “Ibraahiimow!”
  7. “Dhab ahaan baad ugu rumeysay riyadii, saasaana ku abaal-marinnaa sama-falayaasha.”
  8. Taasina waa imtixaan muuqda [oo weyn].
  9. Waxaana ku furannay loog weyn [wan].
  10. Waxaana ugaga tagnay [ugu reebnay] kuwa dambe.
  11. Nabadgalyo [salaam] Nabi Ibraahiim korkiisa ha ahaato.
  12. Saasaana ku abaal-marinnaa samo-falayaasha.
  13. Wuxuu kamid ahaa addoomadannada mu‘miniinta ah.
  14. Waxaan ugu bishaaraynay Isxaaq oo Nabi suubban ah.
  15. Waana barakaynay Ibraahiim iyo Isxaaqba, waxaana kamid ah faracooda mid sama-fala iyo mid naftiisa si cad u dulmiya.

 

Nabi Ibraahiim (nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) markii Eebbe u gargaaray yuu hijrooday, Eebbana wuxuu ka baryey inuu siiyo ilmo fiican, markaasaa Eebbe siiyey Ismaaciil kuna imtixaanay inuu gawraco, haddana furtay markay u-darbadeen fulinta amarkii Eebbe, magac fiicanna ugu reebbey Eebbe adduunka, haddana uu ugu bishaareeyay Isxaaq oo suubban. Ibnu Cabbaas waxaa laga wariyey, “Kan la furtay waa Nabi Ismaaciil, Yuhuudina waxay sheegtay inuu Isxaaq yahay, wayna been-sheegeen.” As-Saaffaat (99-113)

 

  1. Dhab ahaan yaan ugu mannaysanay [ugu nicmeeynay] Nabi Muuse iyo Nabi Haaruun [Nabinnimo].
  2. Waana ka korinnay iyaga iyo qawmkooda dhibaatadii waynayd.
  3. Waana u gargaarnay, waxayna noqdeen kuwo adkaaday [sarreeyey].
  4. Waxaana siinnay Kitaabkii caddaa.
  5. Waxaana ku hanuuninnay Jidka Toosan.
  6. Waxaana ugu dhaafnay dadka dambe [amaan ah].
  7. Nabadgalyo ha ahaato [Nabi] Muuse iyo [Nabi] Haaruun korkooda.
  8. Saasaan ku abaal-marinnaa kuwa wanaagga fala,
  9. Waxayna kamid yihiin addoomadannada mu‘miniinta ah.

 

Nabi Muuse iyo walaalkiis Nabi Haaruun meelo badan bay Qur’aanka kaga soo arooreen, iyo waxay kala kulmeen Fircoon iyo qawmkiisii iyo Banii Israa‘iil markii danbe iyo inuu Eebbe ka koriyay iyaga iyo qawmkoodii dhibaatadii waynayd oo ahayd maansheyntii Fircoon iyo colkiisii, Eebbena Kitaab cad siiyay, jidka wanaagsanna ku toosiyay, sharaf iyo magac fiicanna u-reebay, waxayna ku tusin arrinkaasu in Eebbe la jiro oo gargaar iyo sharaf u-dambaysiin ciddii Xaqa iyo runta ku dadaasha. Dabari wuxuu yidhi, “Jidka Toosani waa Diinta Islaamka, waana diinta Eebbe ee uu Nabiyada ku bixiyay.” As-Saaffaat (114-122)

 

  1. Ilyaasna wuxuu kamid ahaa Rasuullada.
  2. Markuu ku yidhi qawmkiisii, “Miyeydaan dhawrsaneyn [Eebbe ka yaabayn]?”
  3. “Ma waxaad baryeysaan bacli [sanam] ood ka tagaysaan Eebbaha abuurka wanaajiya.”
  4. “Ee ah Eebbihiinna iyo Eebbaha aabbayaalkiinnii hore.”
  5. Markaasay beeniyeen, waxaana loo soo kulmin [cadaab].
  6. Laakiin addoomada Eebbe ee niyadda san [waxay la kulmi khayr].
  7. Waxaana ugu reebnay dadka danbe [amaan ah].
  8. Nabadgalyo ha ahaato Ilyaas korkiisa.
  9. Saasaana ku abaal-marinnaa kuwa sama-fala.
  10. Wuxuuna kamid yahay addoomadannada mu‘miniinta ah.

 

Ilyaas wuxuu kamid ahaa Nabiyada Eebbe, wuxuuna Eebbe u diray Banii Israa‘iil oo caabudi jiray sanam la dhihi jiray Bacli, wuxuuna ugu yeedhay cibaadada Eebbe, iyo inay ka tagaan cibaadada waxa kasoo hadhay si daranna wuu u waaniyay, wuxuuna Eebbe ku abaal-mariyey inuu ka yeelay addoomadiisa toosan ee wanaagga fala, magac fiicanna wuu ugu reebay dadka. Taasina waxay ku tusin inuu Xaqa iyo cidda ku socotaayi wanaagga iyo cidhibta fiican ku danbeyn. Inkastoo baadilku muddooyin laga yaabo inuu muuqdo oo darraado. As-Saaffaat (123-132)

 

  1. Nabi Luudna wuxuu kamid ahaa Rasuullada [la diray].
  2. Xus markaan korinnay isaga iyo ehelkiisaba dhammaan.
  3. Marka laga reebo cajuuso [haweeneydiisii] oo ku hadhay halaagga.
  4. Kadibna waxaan halaagnay intii kale.
  5. Idinkuna [reer Makkaad] waxaad martaan dhulkoodii waabariga.
  6. Iyo habeenkaba ee miyeydaan wax kasaynin?
  7. Nabi Yuunusna wuxuu kamid ahaa Rasuulladii [la diray].
  8. Xus markuu ku dhuuntay [ku cararay] doontii buuxday.
  9. Oo uu qori ritay noqdayna mid laga reeyey [baddana lagu tuuray].
  10. Kalluunna liqay isagoo la dagaalay.
  11. Hadduusan noqonin kuwa Eebbe u tasbiixsada [xusa],
  12. Wuxuu ku nagaan lahaa calooshiisa tan iyo maalinta lasoo bixin dadka.
  13. Waxaana ku tuurnay bannaan cidla ah isagoo buka.
  14. Waxaana kasoo bixinnay korkiisa geedka yaqdiinka ah [hadhayn darted].
  15. Waxaana u dirnay boqol kun oo dad ah ama ka badan.
  16. Wayna rumeeyeen, waxaana u-raaxaynay [sugnay] tan iyo muddo.

 

Nabi Luud iyo Nabi Yuunus iyo Nabiyadii kaleba iyo qawmamkoodii waxay ku dambeeyeen iyo sida Eebbe ku kala maamulay Qur’aankaa tilmaamay, waxaase muhiim ah in xumaanta laga dheeraado, wanaaggana lagu dadaalo, tan kale waa in la ogaado in Eebbe wax walba karo farajkiisuna dhawyahay ducadana aqbalo, qisadiisuna waxay ahayd inuu dar Eebbe uga tagay ugana cadhooday qawmkiisii markaas Eebbe imtixaanay. Rasuulkuna wuxuu yidhi, “Cidna uma habboona inay dhahdo anaa ka khayr badan Yuunus bin Mattaa (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkooda ha yeelee).” As-Saaffaat (133-148)

 

  1. Waydii gaalada in Eebbahaa gabdho yeeshay iyaguna wiilal.
  2. Mise waxaan abuuray malaa‘igta oo dhaddig iyaguna ay joogeen.
  3. Taasi waa been-abuurashadoodii ay dhahayeen,
  4. “Eebba waa dhalay,” waana beenaalayaal.
  5. Ma wuxuu ka doortay gabdho wiilasha?
  6. Maxaa idiinku wacan ood sidaas u xukumaysaan.
  7. Miyeydaan wax xusuusaneyn?
  8. Mise waxaa idiin sugnaatay xujo cad.
  9. Keena Kitaabkiinna [caddayn] haddaad runlayaal tihiin.
  10. Waxay yeeleen gaaladu Eebbe iyo jinniga dhexdooda [qaraabo] nasab, jinniguna dhab ahaan buu u ogyahay in gaalada la keeni [Qiyaamada].
  11. Eebbaa ka nazahan [ka dheer] waxay ku tilmaamayaan.
  12. Laakiin addoomada Eebbe ee niyadda suubbiyey [waa ka fog yihiin xumaan].

 

Gaaladu had iyo jeer waa af xun yihiin iyagoo doqonnimana ku darsaday, halkanna waxay Eebbe (Sarreeye) ku sheegeen in malaa‘igtu gabdho u tahay, taasina waa beentoodii, ee Eebbe ma yeelanin ilmo wiil iyo gabadh midna, illeen uma baahnee, wax xuja ah ooy gaaladu haysana ma jiro, Eebbana waa ka dheer yahay xumaan. Mujaahid wuxuu sheegay in gaaladu dhaheen, “Malaa‘igtu waa gabdho Eebbe Sarreeye,” markaasuu Abuu Bakar yidhi, “Yaa hooyo u ah?” Markaasay dhaheen, “Haween jinni.” Eebbaa ka dheer waxay ku sheegeen. As-Saaffaat (149-160)

 

  1. Idinka iyo waxaad caabudaysaan [gaalooy]
  2. Waxaa ka fidmaysaan [dhumisaan] Eebbe
  3. Marka laga reebo kuwa gali Jaxiimo.
  4. Ruux kastoo naga mid ah [malaa‘igta] wuxuu leeyahay meel lagu yaqaan.
  5. Waana safannahay [cibaado darteed].
  6. Waana tasbiixsannaa [qaddarin Eebbe].
  7. Waxayna ahaayeen gaaladu kuwii dhaha,
  8. “Hadduu yahay agtannada xuskii [warkii] kuwii hore [Kitaab],”
  9. “Waxaan noqon lahayn addoomaha Eebbe ee suubban.”
  10. Wayse ka gaaloobeen Kitaabkii [Qur’aanka] wayna ogaan doonaan [waxa ku dhaca].

 

Gaalo iyo waxay caabudi oo baadil ah midna ma karo inay wax dhumiyaan marka laga reebo kuwa wanaagga ka leexda ee xumaanta faraha lagala, ehlu-Naarna noqda malaa‘igta Eebbana xumaan waa ka fog tahay, mid walbana shaqo iyo meel lagu ogyahay yuu leeyahay, waxayna u-safan yihiin cibaadada Eebbe iyo wayneyntiisa. Gaaladii Qureysheedna waxay ahaayeen intaan Qur’aanku soo dagin kuwa jeclaa inay helaan Kitaab uga warrama ummadihii hore, wayse ka gaaloobeen markuu u-yimid, wayna ogaan doonaan cidhibteeda, waxaana lamid noqon iyaga cid kastoon Qur’aanka iyo Xaqa uu sheegi raacin rumayninna. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaa laynagaga fadilay dadka saddex: malaa‘igta sideeda oon u-safanno (salaada), dhulkoo masjid inoo ah, iyo carrada oo daahir inoo ah.” Waxaa sheegay Muslim. As-Saaffaat (161-170)

 

  1. Dhab ahaan buu ugu hor-maray yaboohannagii addoomahannagii aan dirnay [Rasuulladii].
  2. In iyaga uun loo gargaari.
  3. Iyo in junuuddannada [Xaqa raacay] ay adkaan [guuleysan].
  4. Ee ka jeedso xaggooda tan iyo muddo.
  5. Fiirina iyaguna way fiirin doonaane [waxa ku dhaca].
  6. Ma cadaabkannagay [gaaladu] dadajisan?
  7. Markuu ku dago cadaabku ardaagooda waxaa xumaan subaxa kuwa loo digay.
  8. Ee ka jeedso xaggooda tan iyo muddo.
  9. Fiirina iyaguna way fiirin doonaane [waxa ku dhaca].
  10. Waxaana ka nazahan Eebbahaaga sharafta leh waxay ku tilmaamaan gaaladu [oo xun].
  11. Nabadgalyana ha ahaato Rasuulladii korkooda.
  12. Mahadna waxaa iska leh Eebbaha [Barbaariyaha] caalamka ah.

 

Eebbe wuxuu ballan ku qaaday inuu u-gargaaro addoomadiisa suubban markay si fiican u-raacaan Sharcigiisa iyo Waddadiisa Toosan, fuliyaanna amarkiisa siduu Nabiyadii iyo intii raacdayba ugu gargaaray. Tan kale ciqaabta Eebbe wax la dadajisto ma aha ee ha sugeen Xaq-diidayaashu waxay kala kulmaan xumaanta iyo dulmiga. Eebbana waa ka dheer yahay ceeb, wuxuuna mutaa mahad iyo wayneyn. Anas waxaa laga wariyey in Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yidhi maalintii Khaybar, “Haddaan dagno ardaa qawm waxaa xumaada subaxa kuwa loo digay.” Waxaa sheegay Bukhaari iyo Muslim. As-Saaffaat (171-182)

 

Suurat Saad

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Saad. [Xarafka wuxuu ku tusin mucjisada Qur’aanka.] Qur’aanka sharafta leh yaan ku dhaarannay [waa laydin soo bixin.]
  2. Kuwii gaaloobayna waxay ku sugan yihiin isla-wayni iyo khilaaf [Xaq-diido].
  3. Imisaan halaagnay hortood qarni ay markaas dhawaaqeen waqti aan dhawaaq waxba tareynin?
  4. Waxayna la yaabeen gaaladii inuu u yimaado dige kamid ah waxayna dheheen gaaladii, “Kani waa sixirroow beenaale ah.”
  5. “Ma wuxuu ka dhigay ilaahyadii ilaah kaliya? Arrintaasi waa wax lala yaabo.”
  6. Wuu kala tagay shirkii [madaxdii] kamidka ahayd, waxayna isu dhaheen, “War socda oo ku samra [ku sugnaada] ilaahyaalkiina, arrintani waa wax lay nala dooni.”
  7. “Ma aanaan ku maqlin tanoo kale diintii kale [Nasraaniyada] arrintan Eebbe kaliya waa wax la been-abuurtay.”
  8. “Ma Qur’aankaa lagu dajiyey isagoo na dhex jooga [annagaa ka mudan]?” Waxayse kaga sugan yihiin Qur’aankayga shaki walina mayan dhadhamin cadaabkayga.

 

Eebbe wuxuu ku dhaartay inay gaalada Makkaad ku sugnaayeen khilaaf iyo kibir, iyadoo jirto inuu kuwo badan oo hortood gaaloobay Eebbe halaagay, calaacalna wax ma taro marka ruuxa Xaqa diido oo ku tilmaamo cidda u yeedhi sixir iyo been iyo xumaan, mase wax lala yaabaa inuu Eebbe kali yahay, maxayse tari xumaan lagu madax-adeygo iyo waxyaalo kale oo la caabudo, iyo isla-weynaan oon qiimo lahayn. Saad (1-8)

 

  1. Ma agtaadaa khasnadaha naxariista Eebbahaaga adkaada ee bixinta badan [khayrka] yahay?
  2. Mise waxaa u sugnaaday xukunka samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya? Ha u koreen sallaanno xagga [samada].
  3. Junuudda [colka] halkaas joogaana [gaalada] waa xizbiyo la jabin [laga adkaan].
  4. Waxaa beeniyey Xaqan iyaga ka hor qawmkii [Nabi] Nuux iyo [reer] Caad iyo Fircoonkii tiirarka lahaa.
  5. Iyo reer Thamuud iyo qawmkii [Nabi] Luud iyo asxaabtii kaynta, qawmkii [Nabi] Shucayb, kuwaas waa xizbiyadii [Xaqa beeniyey].
  6. Midaan Rasuullada beenin ma jiro, markaasay ciqaabtaydii ku dhacday.
  7. Kuwaasuna [gaaladii Makkaad] ma sugayaan waxaan hal qaylo ahayn, mana laha cilmi iyo sugid midna.
  8. Waxayna dheheen gaaladii, “Eebbow noo dadaji qaybtannada [ciqaabtannada] maalinta Xisaabta ka hor [Qiyaamada].

 

Khayr iyo wanaag Eebbe agtiisa yey yaallaan, cid wax ka og ama ku tasarrufi karta naxariista Eebbe oon isaga ahayn ma jirto, xukunka cirka iyo dhulka iyo waxa khalqi ah ee u dhaxeeyana Eebbaa iska leh, si kastoo gaalo isugu daydo inay ogaato waxa Eebbe u qarsoonna uma suurowdo, ee jab baa u danbeyn sidii gaaladii horeba loo halaagay, ciqaab soo dadajinna wax Eebbe la warsado ma aha maxaa yeeley dhab ahaan buu ruux walba ula kulmi wuxuu camal falay. Ibnu Jariir wuxuu yidhi, “Waxay warsadeen in adduunka loogu soo dadajiyo waxay mutaan khayr iyo sharba.” Saad (9-16)

 

  1. Ku samir [u adkayso] waxay sheegi xusuusana addoonkaygii Daawuud ahaa ee xoogga lahaa, wuxuuna ahaa noqosho [tawbad-keen] badane.
  2. Annagaa u sakhirray [u fududaynay] buuraha, wayna la tasbiixsadaan galab iyo subaxba.
  3. Shimbirahana waa loo kulmiyey, dhammaantoodna waxay u noqdaan [adeecaan] Eebbe.
  4. Waana adkaynay xukunkiisa [Daawuud] waxaana siinnay xikmad [Nabinimo] iyo fahmo iyo hadal caddayn [iyo garsoorid].
  5. Ma kusoo gaadhay warkii kuwii doodayey, markay mixraabka ugu soo dheceen?
  6. Una soo galeen Daawuud oo markaas uu ka argaggaxay, ayna ku dhaheen, “Ha cabsan, waxaan nahay doodayaal qaarkanno qaarka kale dulmiyey, ee si xaq ah noo kala xukun, hana jawr falin, naguna hanuuni Jidka Toosan [Xaqa].”

 

Eebbe wuxuu faray Nabigu inuu ku samro una adkeysto dhibka gaalada iyo Xaq-diidnimadooda, markaasuu haddana xusuusiyey qisadii Nabi Daawuud iyo siduu ugu dadaali jiray tawbadda iyo cibaadada Eebbe, looguna sakhirey buuraha iyo shimbiraha ayna Eebbe la xusi jireen, xukun adag iyo xikmo iyo dood kala-gayna Eebbe siiyey, laguna imtixaamay caddaaladda iyo garsooridda. Xadiith saxiix ahna waxaa ku sugnaa inuu Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), “Salaad wuxuu Eebbe u jeclaa salaaddii Daawuud, soonna wuxuu Eebbe u jeclaa soonkii Daawuud, wuxuuna seexan jiray habeen badhka, wuxuu kici jiray saddex-meelood meel haddana wuxuu seexan jiray sudus, wuxuuna soomi jiray maalin, maalinna wuu afuri jiray, mana carari jirin.” Saad (17-22)

 

  1. [Waxayna dheheen] “Kani waa walaalkay wuxuuna leeyahay sagaal-iyo-sagaashan ido ah, anna waxaan leeyahay mid kaliya, wuxuuna sheegtay inaan siiyo, hadalkiinna wuu igaga adkaaday.”
  2. Wuxuuna yidhi [Daawuud], “Wuu kugu dulmiyey warsashada laxdaada [inuu ku biiriyo] idihiisa, in badan oo kamid ah kuwa wax isku darsadana qaarkood waxay ku xad-gudbaan [dulmiyaan] qaarka kale, marka laga reebo kuwa Xaqa rumeeyey ee camalka wanaagsan falay, wayna yar yihiin kuwaasi,” Daawuudna wuxuu u maleeyey inaan ibtileynay wuxuuna ka dambi-dhaaf dalbay Eebbihiis, rukuuc [sujuud buuna] la dhacay wuuna noqday.
  3. Markaasaan u dambi-dhaafnay, agtannada wuxuu ku leeyahay dhawaansho iyo noqosho fiican [darajo sare].

 

Qisadan ah inuu Eebbe imtixaamey Nabi Daawuud iyo doodayaasha u yimid waxaa fiican in loo rumeeyo sida Qur’aanku u sheegay lagana dheeraado waxyaalo kale oo taaban sharafta Nabiga, Qur’aankana aan waafaqsaneyn, waxa muuqda waa inay doodayaal ugu yimaadeen Daawuud si kada ah, kana codsadeen inuu caddaalad ku xukumo, wixii ka dhacayna Eebbe ka saamaxay xagga xukunka doodayaasha, waxaana cid walba looga baahan yahay tawbad-keen iyo Eebbe ku-xidhnaan hadday Nabiyaduba saas yihiin. Saad (23-25)

 

  1. [Eebbe wuxuu yidhi], “Daawuudow, annagaa kaa yeelley khaliifka dhulka ee dadka ku kala xukun xaqa hana raacin hawada [xun] oo kolkaas uu kaa dhumiyo Jidka Eebbe, kuwa ka dhuma Jidka Eebbe waxaa u sugnaaday cadaab daran halmaankoodii Maalinta Xisaabta [Qiyaamada] darteed.”
  2. Maanaan u abuurin samada iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya dan-la’aan [ciyaar], taasina waa siday maleeyeen kuwii gaaloobay halaagguna wuxuu ugu sugnaaday kuwii gaaloobey Naar.
  3. Miyaan ka yeeleynaa kuwii Xaqa rumeeyey oo camal fiican falay sida kuwa hallayn dhulka, mise waxaan kala mid dhigaynaa kuwa dhawrsada kuwa xun oo kale [gaalada]?
  4. [Qur’aanku] waa Kitaab aan kugu soo dajinnay oo barakeysan, si ay u fiiriyaan dadku aayaadkiisa iyo inay waantoobaan kuwa caqliga leh.

 

Eebbe wuxuu faray Nabi Daawuud inuu dadka caddaalad ku xukumo mar hadduu ka dhigay khaliifka dhulka oosan raacin hawada naftiisa markaasna uu dhumo, ciddii Jidka Eebbe ka dhuntana waxay mudan cadaab daran maalinta soo-bixinta ay halmaameen darteed, cirka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya Eebbe wuxuu u abuuray xikmad iyo cid walba in lagu abaal-mariyo wuxuu kasbaday, saasuuna usoo dajiyey Kitaab barakeysan, si loogu waano-qaato loona faro, Eebbana isku mid kama dhigo Muslim toosan iyo daalim xun, Xasan Al-Basri wuxuu yidhi, “Eebbaan ku dhaartaye mayna fiirinin xuruuftoo la xafido iyo xuduuddiisana la dayaco, lana dhaho Qur’aankaan akhriyey isaguna ka muuqan khuluq iyo camal.” Saad (26-29)

 

  1. Waxaan siinnay Nabi Daawuud [wiilkiisii] Suleymaan ahaa wuxuuna ahaa addeec [Eebbe] oo fiican tawbad-keen badan.
  2. Xusuuso marka loo bandhigay casarkii fardo orad badan oo fiicfiican.
  3. Oo markaas uu yidhi, “Ma waxaan ka jeclaan xusidda Eebbe xoolo, inta qorraxdu ka dhacdo?”
  4. “Iisoo celiya,” wuxuuna billaabay inuu ka taabto dhudhumada iyo luqunta [uu gawraco sadaqo darted].
  5. Dhab ahaan yaan u fidmeynay [imtixaanay] Nabi Suleymaan, waxaana ku tuurray kursigiisii jasad, markaasuu tawbad keenay.
  6. Wuxuuna yidhi, “Eebbow ii dambi-dhaaf ina sii xukun aan ku habbooneyn cid iga dambeysa adaa bixin badane ahe.”
  7. Waxaana u sakhirrey dabeysha iyadoo ku socota amarkiisa iyadoo jilicsan meeshuu doono.
  8. Shayaadiinta [waxaan u sakhirey] mid wax dhisid iyo mid dhunbasho badanba.
  9. Iyo kuwo kale oo ku xidhxidhan silsilado.
  10. [Waxaan ku nidhi], “Tan waa siismada ee bixi ama hayso xisaab la’aan.”
  11. Wuxuuna ku leeyahay agtannada dhawaansho iyo noqosho fiican.

 

Nabi Suleymaan wuxuu ka dambeeyey oo dhaxlay Nabi Daawuud wuxuuna ahaa Nabi suubban, Eebbana wuxuu u sakhirrey makhluuqyadiisa, wuuna imtixaanay wuuna ku guuleystey imtixaankii, wuxuuna Eebbe siiyey xukun aan cid kale oo ka dambeysa la siin, wax kasta oo qisa ah oo taaban sharaf Nabinimada oo lagu shakiyana waa wax-kama-jiraan, fardahana wuxuu u gawracay sadaqo markey ka shuqliyeen daacadii. Saad (30-40)

 

  1. Xusuuso addoonkeygii Ayuub ahaa markuu u dhawaaqay [baryey] Eebbihiis isagoo dhihi, “Wuxuu i taabsiiyey Shaydaan dhib iyo cadaab.”
  2. Waxaana ku nidhi, “Ku garaac lugtaada [dhulka],” waxaana ku nidhi, “Kani waa biyo meydhi ah qabowna lana cabbo.”
  3. Waxaana siinnay carruurtiisii iyo kuwo kale oo lamid ah naxariis xaggannaga ka ahaatay iyo xusuus kuwa caqliga leh.
  4. “Kuna qabo gacantaada xidhmo laamo ah kuna garaac, hana jabinin dhaarta,” waxaana ku ognahay inuu yahay samre addoon fiican ah tawbad-keenna badan.
  5. Xusuuso addoomadannadii [Nabi] Ibraahiim iyo [Nabi] Isxaaq iyo [Nabi] Yacquub ee ku xoog badnaa cibaadada kuna arag dheeraa [Xaqa].
  6. Annagaa u doorannay xusidda Aakhiro.
  7. Waxayna ka yihiin agtannada kuwo la doortay oo wanaagsan.
  8. Xusuusana [Nabi] Ismaaciil, Alyasac iyo Dul-Kifli, dhammaanna waxay ahaayeen kuwo wanaagsan.

 

Nabi Ayuub Eebbe wuu imtixaamay, Eebbena waa ka fayday kurbadii markuu si dhab ah u baryey, cid kastoo Eebbe si toosan iyo xaq ah ugu xidhnaatana Eebbe wuu aqbali ducadiisa, sidoo kale waxaa Eebbe doortey Nabi Ibraahiim iyo Nabi Isxaaq, Nabi Yacquub, Nabi Ismaaciil, Yasac iyo Dul-Kifli dhammaan waxay ahaayeen ikhyaar la doortey, waana in wanaagga iyo adkeysiga lagaga daydaa, Xaqana iyo Qur’aankana la raaco. Saad (41-48)

 

  1. Waxaas la soo sheegey waa xusuus, kuwa dhawrsadana waxaa u sugnaaday noqosho fiican.
  2. Jannada Cadni oo loo furay albaabbada yey mudan.
  3. Waxayna ku dangiigsan dhexdeeda [sariiro] waxayna u yeedhaan faakihad badan iyo cabbid.
  4. Waxaana agtooda ahaan haween indhahoodu ku kooban yahay raggooda [dhawrsoon] oo Isla eg.
  5. Kaas waxaa leydiin yaboohay Maalinta Xisaabta [Qiyaamada].
  6. Kaasuna waa rizqigannaga mana dhammaado.
  7. Xaalku waa sidaas, gaalana waxaa u sugnaadey noqosho xun.
  8. Jahannamo yeyna gali iyadaana u xun gogol.
  9. Kaas waa cadaab, ee dhadhamiya, isagoo ah biyo kulul iyo dhaacaanka ehlu-Naarka.
  10. Iyo mid kale oo cadaab ah oo noocya ah.
  11. Malaa‘igtuna waxay dhihi, “Kani waa koox idinla gali cadaabka,” waxayna ku dhihi, “Hasoo dhawaanina,” waxayna galaan Naarta.

 

Aayadaha hore waxay ka warrami ehlu-Jannaha iyo sida Eebbe ugu nimceeyey, oo wax kastoo khayr ah u helayaan, sidoo kale waxay ka warrami aayadaha kale xaalka ehlu-Naarka iyo sida loo dulleyn, iyo waxay isu odhan iyo cadaabka kala duwan oy la kulmi, Nabiguna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), “Haddii wadaan qasaaq ah adduunka lagu daadiyo, adduunyadu way uri lahayd.” Waxaa wariyey Tirmadi iyo Axmed. Saad (49-59)

 

  1. Waxay ku dheheen kuwii raacay kuwii madaxda ahaa, “Hasoo dhawaanina [wanaag halla kulmina] idinkaa nasoo galiyey cadaabkan,” isagaana u xun meel lagu nagaado.
  2. Waxayna dheheen kuwii wax raacay, “Eebbow ruuxii nasoo galiyey cadaabkan u siyaadi labanlaab Naarta.”
  3. Waxayna dhaheen [madaxdii] gaalada, “Maxaan la arki weyney rag aan ku tirinnay kuwo xunxun?”
  4. Ma waxaan ka yeelannay [adduunkii] jeesjees mise waxaa ka iishey xaggooda araggii?”
  5. Kaasina [dooddaas] waa xaq sugan oo ah doodda ehlu-Naarka.
  6. Waxaad dhahdaa Nabiyow, “Waxaan uun ahay dige, Eebbe aan Eebbe ahayna ma jiro ee kaliga ah awooddana badnaa.”
  7. Ee ah Eebbaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeyaba, ahna adkaade dambi-dhaaf badan.

 

Aayadaha hore waxay ku xidhan yihiin kuwii ka horreeyey ee ku saabsanaa muranka iyo calaacalka ehlu-Naarka maalinta Qiyaame iyo sidey kuwii xumaanta wax ku raacay iyo kuway raaceenba isu dagaalayaan midba midka kale, iyo iney gafsanaayeen markey ku jeesjeesayeen adduunkii mu‘miniita sida Bilaal, Suhayb, Cammaar iyo wixii la mid ahaa. Aayadaha dambana waxay ka warrami awoodda Eebbe iyo kalinnimadiisa iyo in isagu koonka leeyahey, Nabiguna u-digaha caalamka yahay. Saad (60-66)

 

  1. Waxaad dhahdaa Nabiyow, “Qur’aanku waa war weyn.”
  2. “Ood idinku ka jeedsaneysaan.”
  3. “Mana ogayn shirka sare [malaa‘igtu] markey doodayaan [haddaan waxyi jirin].”
  4. “Waxaa uun ley waxyoodey inaan ahay dige muuqda.”
  5. Xusuuso markuu Eebbe ku yidhi malaa‘igta, “Anigu waxaan ka abuuri dadka [Aadam] dhoobo.”
  6. “Ee markaan ekeeyo oon ku afuufo ruuxdeyda ugu dhaca sujuud [salaan].”
  7. Wayna sujuudey malaa‘igtii dhammaantood oo idil.
  8. Ibliis mooyee oo is-kibriyey kana mid noqday gaalada.
  9. Eebbe wuxuu yidhi, “Ibliisow maxaa kaa reebay inaad u sujuuddo kaan ku abuuray gacantayda ma is-kibrisey mise waxaad kamid noqotay kuwa isla-sarreeya?”
  10. Wuxuuna yidhi, “Anaa ka kheyr-roon isaga [Aadam], waxaad iga abuurtey naar isagana waxaad ka abuurtey dhoobo.”
  11. Eebbe wuxuu ku yidhi, “Iiga bax samadeyda, waxaad tahay mid la dheereeyeye.”
  12. “Korkaagana ha ahaato lacnade tan iyo maalinta abaal-marinta.”

 

Qur’aanku waa war weyn gaaladuna waa ka jeedsadeen, Nabiguna (naxaris iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) waa uun dige cad oo waxyi Eebbe wax lagu ogeysiiyey. Waxaa kale ooy aayaduhu ka warrameen Nabi Aadam (nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) iyo Ibliis sida meelo badan Qur’aanku ku sheegey, taasoo ah inuu Ibliis is-kibriyey, Xaqana diiday amarkii Eebbana ka madax-adaygay, waxaana lagu abaal mariyey in naxariistii Eebbe laga dheereeyey, Eebbena u cadhooday cid kastoo raacda oo Xaqa iska weyneysana waxay mudan wuxuu mutay Ibliis. Saad (67-78)

 

  1. Wuxuu yidhi [Ibliis], “Eebbow i sug tan iyo maalinta lasoo bixin dadka.”
  2. Eebbe wuxuu yidhi, “Waxaad kamid tahay kuwa la sugi.”
  3. “Tan iyo maalinta waqtiga la yaqaan ah.”
  4. Wuxuuna yidhi, “Waxaan ku dhaartey sharaftaadee waan baadiyeyn dhammaantood.”
  5. “Marka laga reebo addoomadaada suubban.”
  6. Eebbe wuxuu yidhi, “Dhabtaan ku sifoobaa, dhabtaana u hadlaa.”
  7. “Waxaana ku dhaaran inaan ka buuxiyo Jahannamo adiga iyo inta ku raacda oo kamid ah dadka dhammaan.”
  8. Waxaad dhahdaa Nabiyow, “Idin kama warsanaayo Xaqa ujuuro, mana ihi kuwa is dhiba [isku dhiba waxaan la farin].”
  9. Waxyiguna waxaan waanada caalamka ahayn ma aha.
  10. Dhab ahaanna waxaad u ogaan doontaan warkiisa muddo kadib.

 

Xikmo Eebbe ogyahay yuu u oggolaaday codsigii Ibliis oo ahaa in cimriga loo dheereeyo. Wuxuuna ku dhaartey colkaas inuu dadka dhumiyo marka laga reebo kuwa wanaagsan. Eebbena wuxuu ku ballan-qaaday inuu cadaabo Ibliis iyo inta raacdaba. Tan kale ma aha mana habboona iney noqoto diintu wax ujuuro iyo cunno lagu warsado, lana sheegto waxaanan aheyn, ama leysku dhibo waxaan lagu farin. Qur’aankuna waa waanada iyo naxariista adduunka oo dhan, ayna waajib tahay in la raaco laguna dhaqmo, haddii kale waxaa dhab ahaan loo ogaan warkiisa. Saad (79-88)

 

 

 

Suurat az-Zumar

Magaca Eebbe yaana ku billaabeynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Soo-dajinta Kitaabka [Qur’aanka] wuxuu ka ahaadey xagga Eebbaha adkaada ee falka san.
  2. Annagaana kuugu soo dajinnay Nabiyow Kitaabka si xaq ah, ee caabud Eebbe adoo u kali-yeeli Diinta.
  3. Diinta khaaliska ahna waxay u sugnaatey Eebbe, kuwa ka yeesha Eebbe ka sokow awliyo waxay odhan, “Uma caabudno inay Eebbe noo dhaweeyaan mooyee dhawaansho,” Eebbaana kala xukumi dadka dhexdooda waxay isku diidaan, Eebbana ma hanuuniyo been badane gaalnimo badan.
  4. Hadduu doono Eebbe inuu yeesho ilmo wuxuu ka dooran lahaa wuxuu abuuro wuxuu doono, waa nazahan yahey, waana Eebbaha kalida ah ee awoodda badan.
  5. Isagaa abuuray samooyinka iyo dhulkaba si dhab ah, wuxuuna habeenka ku daboolaa maalinta, maalintana ku daboolaa habeenka, wuxuuuna sakhiray qorraxda iyo dayaxa, mid walbana wuxuu ku socdaa muddo magacaaban, Eebbana waa adkaade dambi-dhaaf badan.

 

Eebbe wuxuu ka warramey sida meelo badan aan kusoo marray sharafta Qur’aanka iyo weynidiisaba, maxaa yeeley waxaa soo dajiyey oo ku hadley Eebbaha weyn ee xikmadda badan, sidaas daraaddeed yey waajib tahay in la raaco Qur’aankaas Eebbana si dhab ah loo caabudo, ciddii caabudda wax isaga kasoo hadhayna waxay la kulmi khasaare iyo qoomamo, maxaa yeeley Eebbe waxaa loogu dhawaadaa camal fiican, mana liibaano beenaale iyo gaal midna. Eebbana waa ka kaaftoon yahay inuu yeesho ilmo, hadduu doonana wuxuu ka yeelan lahaa wuxuu rabo, waase ka nazahan yahay umana baahna, maxaa yeeley waa Eebbaha awoodda leh ee abuuray cirka, dhulka, habeenka, maalinta, qorraxda iyo dayaxaba dhammaantoodna u sakhirey sidii loo abuurey. Az-Zumar (1-5)

 

  1. Wuxuu idinka abuurey naf kaliya [Nabi Aadam] markaasuu Eebbe ka yeeley [ka abuurey] xagga Aadam haweeneydiisi [Xaawo] wuxuuna Eebbe idiin soo dajiyey xoolaha siddeed nooc oo kamid ah, wuxuuna idinku abuurey uurka hooyadin abuurid ka dambeyso abuurid saddex mugdi dhexdooda saasna waxaa yeela Eebbaha idin barbaariya, isagaana iska leh xukunka, Eebbe mooyee ilaah kale [xaq lagu caabudo] ma jiro, ee xaggee laydiinka iili [Xaqa].
  2. Haddaad gaalowdaan dadow Eebbe waa idinka kaaftoomey, ugamana raalli aha addoomadiisa gaalnimo, haddaad ku mahdisaanna wuu idin ka raalli noqon, nafna naf kale danbigeeda ma qaaddo, waxaana leydiin celin Eebbihiin xaggiisa, wuxuuna idiin ka warrami waxaad camal fasheen, wuuna ogyahay waxa laabta [qalbiga] ku sugan.
  3. Markuu dadka taabto dhib wuxuu baryaa Eebbihiis isagoo u noqon, markuuse nicmo siiyo wuu illoobaa wuxuu baryey horey, wuxuuna u yeelaa Eebbe shariikyo si uu uga baadiyeeyo [kaasi] jidka Eebbe, waxaad dhahdaa ku raaxayso gaalnimadaada wax yar waxaad kamid tahay ehlu-Naarkee.

 

Wuxuu Eebbe halkan ku taxay nicmooyin badan oos u nicmeeyey addoomadiisa, taasoo ah abuuriddiisa xoolaha uu inoo abuurey, uurka hooyoo inagu nooleeyey inaguna abuuray mugdiyo saddex ah dhexdood, hadduu dadkoo dhan gaaloobana Eebbe wax ma yeeleyso, mana rabo gaalnimo, mahaddoodana wuu jecel yahay nafna mid kale dambigeed ma qaado, xagga Eebbaana loo noqon, ruux walbana wuxuu uga warrami wuxuu camal faley, illeen wax walba waa ogyahaye, mana habboona in dhibkana Eebbe la xusuusto ladnaantana la halmaamo loona yeelo shariikyo, cidda saas yeeshana wax yar bey adduunka ku raaxaysan Naarna way gali. Az-Zumar (6-8)

 

  1. Ruux tukan oo Eebbe adeece saacadaha habeenka isagoo sujuudsan oo taagan kana digtoon Aakhiro quudarreynayana naxariista Eebbihiis, ma lamid baa cid aan saas faleynin? Waxaad dhahdaa Nabiyow, “Ma eg yihiin kuwa wax yaqaanna iyo kuwaan wax aqoonin, waxaa uun waantoomi kuwa caqliga leh.”
  2. Waxaad dhahdaa Nabiyow addoomadeyda Xaqa rumeeyow ka dhowrsada Eebbihiin, ciddii wanaag fashana addooomadeyda waxaa u-sugnaadey wanaag, dhulka Eebbena waa waasac [ee ku caabuda] waxaa uun loo oofiyaa [dhammeeyaa] kuwa samra ajrigooda xisaab la’aan.
  3. Waxaad dhahdaa Nabiyow, “Waxaa lay faray inaan caabudo Eebbe anoo u kali-yeeli Diinta.”
  4. “Waxaana ley faray inaan noqdo kan ugu horreeya Muslimiinta.”

 

Dhab ahaan ma sinna mana eka ruux Eebbe ka yaaba kuna dadaala khayrka iyo wanaagga iyo mid xumaanta qasta oon cabsida Eebbeba xusuusan, sideyna u ekeyn ruux cilmi wax anfaca oos Eebbe ugu dhawaado yaqaan iyo mid jaahil ah oon wax aqoon iskana dhaga-la’ sidoo kale ma eka ruux caqli badan oo Eebbe iyo abaal-marintiisa xusuusan iyo mid aan xilba iska saarin. Eebbana wuxuu faray addoomadiisa inay ka dhawrsadaan, wanaagna falaan si ay wanaagga u helaan, samirkooda ajirkiisana xisaab la’aan loogu oofiyo, caabudiddana loo kali-yeelo Eebbe isagoo lagu dayan Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) madaxda iyo hanuunka u ahaa umadda. Imaam Awzaaci wuxuu yidhi, “Kuwa samra ajriga looma miisaamo loomana miiso ee waa loo daraa.” Az-Zumar (9-12)

 

  1. Waxaad dhahdaa Nabiyoow, “Anigu waxaan ka cabsan haddaan caasiyo Eebbahay cadaab maalin weyn.”
  2. Waxaad dhahdaa, “Eebbe uun baan caabudi anoo u kali-yeeli Diintayda.”
  3. Ee caabuda [gaaloy] waxaad doontaan Eebbe ka sokow, waxaadna dhahdaa, “Kuwa khasaaray waa kuwa khasaariyey naftooda iyo ehelkoodii maalinta Qiyaame, taasina waa khasaaraha cad.”
  4. Korkooda waxaa ah lakabyo Naar ah, hoostoodana waxaa ah lakabyo Naar ah, kaasina waa waxa Eebbe ku cabsi-galiyo [ugu digo] addoomadiisa ee addoomadeydow iga dhawrsada.
  5. Kuwa ka fogaaday inay caabudaan Shaydaan [iyo xuma-fare] oo Eebbe u noqday waxaa u sugnaaday bishaaro ee u-bishaaree addoomadayda.
  6. Ee ah kuwa dhageysta hadalka oo raaca kiisa fiican, kuwaasna waa kuwa Eebbe hanuuniyey, kuwaasna iyaga uun baa ah kuwa caqliga leh.

 

Hadduu Eebbe faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) inuusan Eebbe khilaafin cibaadadana u kali-yeelo waxay ku tusin inuu dadka kalena ka daran yahay, jidkuna waa cad yahay cid walbana way aragtaa, waxaase khasaara dhab ah ku dhacday kuwa ay kala tagaan isna waayaan ehelkoodii maalinta Qiyaame Naarna galaan, waana khasaare mid lamid ah uusan jirin, mar hadday Naaru kor iyo hoosba ka koobtay, kuwa mu‘miniinta dhabta ah ee caqliga badan bishaarada muta waa kuwaan raacin caabudinna wax Eebbe kasoo hadhay oo Shaydaan kasta ah iyo wax kastoon xaq ahayn, aayadduna waxay ka digi in xumaan leysku raaco. Ibnu Cabbaas waxaa laga wariyey, “Kuwaasi waa kuwa markey maqlaan xumaan iyo samaan ka warrama samaanta, kana taga xumaanta oon ka sheekeeynin.” Az-Zumar (13-18)

 

  1. Ruuxay u waajibtay ereyga cadaab ma adaa [Nabiyow] ka korin cid Naar gali?
  2. Kuwa ka dhawrsaday Eebbahoodse waxay mudan qawlado [Janno] oo qawlada kale ka korreeyaan si fiicanna [u-dhisan], waxaana dhex socda wabiyaalkii, waana yabooh Eebbe, mana baajiyo Eebbe yaboohisa.
  3. Miyaadan arkeyn in Eebbe kasoo dajiyey samada biyo oo markaas uu galin dhulka iyagoo kasoo burqan dhulka, markaasna Eebbe kusoo bixin beer midabkeedu kala duwan yahay markaas kadibna uu ingagi ood arki isagoo cawlan, kadibna ka yeeli burbur? Arrintaasna waxay xusuus u tahay kuwa caqliga leh.
  4. Ruux Eebbe u waasiciyey laabtiisa Islaamka oo Nuurka Eebbe ku sugan ma lamid baa [mid la daboolay] halaag wuxuu u sugnaaday kuwey ka ingagtay quluubtoodu xuska Eebbe [Qur’aanka] kuwaasina waa kuwa baadi cad ku sugan.

 

Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) wuxuu Eebbe faray inuu dadka Xaqa gaadhsiiyo, korkiisase ma saarna inuu xoog wax ku hanuuniyo ama cid Naaru u waajibtay koriyo, kuwa Eebbe ka dhawrsadase waxay mudan wanaag iyo darajooyin Janno, Eebbana ma baajiyo yaboohiisa. Awoodda Eebbana waxaa ku tusin siduu roobka u keeno cunnana ugu soo bixiyo, arrintaasina waa waxay ku waana-qaataan kuwa caqliga badan. Ruuxii Eebbe hanuuniyana oo qalbiga u waasiciyo lamid ma aha mid dhumay. Ibnu Kathiir wuxuu yidhi, “Waxaa liibaanay ruuxii xaalkiisu wanaag ku dhammaado.” Az-Zumar (19-22)

 

  1. Eebbaa soo dejiyey kan ugu fiican hadal, Kitaab buu soo dajiyey isu eg, oo soo noqnoqda, ay lana qaman-dhacyooto jidhka kuwa ka yaaba Eebbahood, markaasay la jilci jidhkoodu iyo quluubtoodu xusuusta Eebbe, arrintaasuna waa hanuunka Eebbe uu ku hanuuniyo cidduu doono, ruuxuu Eebbe dhumiyana ma jiro cid hanuunin.
  2. Ma ruux wajigiisa kaga gabbada cadaab xun maalinta Qiyaame ma lamid baa mid aan saas ahayn? Waxaana loo yidhaa daalimiinta dhadhamiya waxaad kasban jirteen [abaalkiisii].
  3. Waxaa beeniyey [Xaqa] kuwii ka horreeyey [gaaladan] wuxuuna uga yimid cadaabku meel ayn kasayn.
  4. Markaasuu Eebbe dhadhansiiyay dulli nolosha adduunyo, cadaabka Aakhiraana weyn hadday wax garan.

 

Eebbaa soo dajiyey Qur’aan ugu fiican uguna run badan hadal isagoo isu-eg soona noqnoqda, akhriskiisana mu‘miniintu la cabsato, kuna faraxdo, hanuunkuna wuxuu ku jiraa awoodda Eebbe ee weyn, waase in Xaqa lagu dadaalo mana sinna ruux cadaabka wajiwaji ugu dhici iyo mid Jannada ku dhex-mushaaxi. Cid walbana waxay la kulmi waxay hor-marsatay, daalimiintuna waxay mudan cadaab daran, gaaladuna ama ha horreeyo ama ha dambeeyee waxaa caadadooda kamid ah Xaq-diid iyo madax-adeyg xun, miyeyse ka nabad-gali ciqaabta Eebbe taasoo uga imaan meeleyn filayn iyo dulli adduun iyo Aakhiroba? Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Gaalada waxaa lala aadi Naarta iyagoo gacmuhu xidhxidhan yihiin, markaasaa lagu tuuri Naarta, wax Naartu taabatana waxaa ugu horreyn wajigooda.” Az-Zumar (23-26)

 

  1. Dhab baan ugu caddayney dadka Qur’aanka tusaale kasta inay waantoobaan.
  2. Waana Qur’aan Carabi [ku qoran] oon qallooc lahayn may dhawrsadaan.
  3. Eebbe wuxuu qadaray tusaale nin dad wadaagaan iskuna khilaafsan iyo mid u-sugnaada ruux si gaar ah ma egyihiin tusaale ahaan? Mahad Eebbaa iska leh, dadka badidiisna ma oga.
  4. Adigu waad dhiman iyaguna [gaaladu] way dhiman.
  5. Markaas maalinta Qiyaame waxaad ku doodaysaan Eebbihiin agtiisa.
  6. Yaa ka dulmi badan ruux ku been-abuurtey Eebbe korkiisa oo beeniyey runta [Xaqa] markuu u yimid, miyeyna ahayn Jahannamo guriga gaalada?
  7. Kii la yimid runta iyo kii rumeeyey waa dhawrsadeen.
  8. Waxayna ku leeyihiin Eebbe agtiisa waxay doonaan taasina waa abaal-marinta kuwa wanaagga fala.
  9. Si Eebbe uga asturo wixii xumaa oy camal faleen, kuna abaal-mariyo ajirkii ugu fiicnaa waxay falayeen.

 

Qur’aankan wax badan baa lagu soo celceliyay caddaymo iyo tusaalooyin badan si loogu waantoomo, isagoo ah Qur’aan fasiix ah Carabina ku qoran, mana sinna wax dad is-diiddan ka dhaxeeya iyo wax cid kali ah u gaar ah, saasayna u ekeyn mu‘min iyo gaal iyo camalkooda, xaalkuna wuxuu ku dhammaan in la dhiman Muslim iyo gaalba, markaas lagu doodi Eebbe agtiisa, wax la dulmi ahna ma jiro cid Eebbe ku been-abuuratay Xaqa u yimidna beenisay waxayna ku hoyan Naarta Jahannamo. Kiise Xaqa la yimid oo ah Nabiga iyo Nabiyadii kale iyo kuwii rumeeyeyba waa kuwo Eebbe ka yaaba xumaantana ka dhawrsada waxayna mudan wanaag iyo sharaf, Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), “Waxaa la kicin Qiyaamada madaxdoodii oo khaa‘in ah waxaana la doodi dadkiisii wayna ka guuleysan markaasaa lagu odhan, ‘Waxaad awdaa dhan kamid ah dhinacyada Jahannamo (Naarta gal).” Waxaa wariyey Bazzaar. Az-Zumar (27-35)

 

  1. Miyuusan ahayn Eebbe ku-fillaha addoonkiisa waxay kugu cabsi galin waxa Eebbe kasoo hadhay [ay caabudi] ruux Eebbe dhumiyeyna ma laha cid hanuunin.
  2. Cid Eebbe hanuuniyeyna ma jiro wax dhumin, Eebbana miyuusan ahayn adkaade aarsada?
  3. Hadaad warsato [gaalada] “Yaa abuuray cirka iyo dhulka?” waxay odhan “Eebbe,” waxaad dhahdaa bal ka warrama waxaad caabudaysaan Eebbe ka sokow hadduu ila doono Eebbe dhib miyey yihiin kuwa fayda dhibka ama hadduu ila doono naxariis ma joojin karaan naxariistiisa?” Waxaad dhahdaa, “Waxaa i kaafiya Eebbe ee korkiisa ha tala-saarteen kuwa tala saaran.”
  4. Waxaad dhahdaa “Qawmkayow sidaad tihiin u camal-fala anna waan camal-faliye waadna ogaan doontaan.
  5. Ruuxu u yimaado cadaab dulleeya oo ku dago korkiisa cadaab joogta ah.

 

Eebbaha awoodda leh waa ku filan yahay addoomadiisa mana aha in dadka lagu cabsi-galiyo waxa kasoo hadhay, hanuun iyo dhumidba waa awood Eebbe, wuxuu doono yuuna falaa cidduu doonana wuu ka aarsadaa, gaalana waa ogyihiin in cirka iyo dhulkaba Eebbe abuuray, wax dhib ah iyo wax wanaag ahna cid aan Eebbe ahayn ma awoodo isagaana kaafiya dadka ee isaga uun ha la talo saarto, Nabiga iyo inta raacday waxay qaadi waddada Xaqa ah ee toosan, gaalana waxay u leexatey meel xun, cid walbana saas ha ahaato waxaa la ogaan doonaa cidduu haleelo cadaab joogta ah oo wax dulleeya. Tirmidi wuxuu wariyay, “Waxaa liibaaney ruux lagu hanuuniyey Islaamka, noloshiisuna ahaatey cunno maalmeed, kuna qancay.” Az-Zumar (36-40)

 

  1. Annagaa kugu soo dajinnay Kitaabka [Qur’aanka] dadka dartiis si dhab ah, ruuxii hanuunana wuxuu anfici naftiisa, kii dhumana wuxuu dhibi naftiisa, adiguna Nabiyow kama tihid wakiil.
  2. Eebaa oofsada nafta markay dhiman iyo tii aan dhimanin ee hurudday, wuxuuna hayn tuu geerida ku xukumay wuxuuna siideyn tii kale tan iyo muddo magacaaban, arrintaasna aayaad [calaamooyin] yaa ugu sugan ciddii fikireysa.
  3. Mise waxay ka yeesheen Eebbe wax kasoo hadhay shafeecayaal, waxaad dhahdaa “[Oo ma ka yeelaneysaan] xataa haddayna wax hananayn waxna kasayn?”
  4. Waxaad dhahdaa Eebbaa iska leh shafeeco oo dhan, waxaana u sugnaaday xukunka cirka iyo dhulka xaggiisaana leydiin celin.
  5. Marka la xuso Eebbe kaliya waxaa diidda qalbiyada kuwaan rumeynin Aakhiro, markii la xuso waxa Eebbe kasoo hadhayna markaasay bishaareystaan farxaan.

 

Qur’aanka Eebbaa xaq kusoo dajiyey si loogu dhaqmo, xagga rumeynta, ku-dhaqanka, isku-xukunka iyo raaciddiisa si dhab ah, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) cidna kuma qasbo Xaqa ee wuxuu u caddeeyay dhabta, ciddii markaas dhunta ama hanuunta waa isaga iyo dantiis, Nabiguna wakiil kama aha, awooddana Eebbaa iska leh, nafta dadkana waa midka midna dili markuu doono midna fasixi sida marka la hurdo, waana arrin ciddii caqli leh ay ku waano-qaadato, tan kale shafeecada Eebbaa iska leh illeen isagaa xukuma cirka iyo dhulkaba leh, cid uusan fasixinna ma shafeecdo, ee waa in isaga la weydiistaa si dhab ahna loo caabudo mana aha in marka Eebbe kaliya la xuso la dido, marka waxyaalo kale lala xusana la farxo sida gaaladii. Xusid Eebbaa mudan. Az-Zumar (41-45)

  1. Waxaad dhahdaa Nabiyow “Eebbow adaa abuuray cirka iyo dhulka ogna waxa maqan iyo waxa jooga, adaase kala bixin addoomadaada dhexdooda waxay isku khilaafsan yihiin.”
  2. Hadday kuwii dulmiga falay waxa dhulka ku sugan dhammaantii iyo wax lamid ah leeyihiin way iskaga furan lahaayeen cadaabka maalinta Qiyaamaha, waxaana uga muuqday xagga Eebbe waxayn maleeysanaynin.
  3. Waxaana u muuqday xumaantay kasbadeen, waxaana ku dhacay waxay ku jeesjeesi jireen.
  4. Markuu dhib taabto dadku wuu na baryayaa, markaanse siinno nicmo wuxuu dhahaa, “Waxaa la i siiyey waan mutaa,” saas ma aha ee waannu imtixaami mase oga badankood.
  5. Waxaa saas yidhi kuwii ka horreeyey waxna uma tarin waxay kasbadeen.
  6. Waxaana ku dhacay xumaantay kasbadeen, kuwii dulmi falay oo kamid ahaa kuwaas waxaa ku dhici xumaantey kasbadeen, namana daaliyaan.
  7. Miyeyna ogayn inuu Eebbe u waasiciyo rizqiga cidduu doono kuna cidhiidhyo [cidduu doono] arrintaasna waxaa ugu sugan aayad ciddii wax rumeyn.

 

Eebbaa wax kasta aheysiiyey awooddana leh, kala bixin dadka Qiyaamada, maalintaas oo gaaladu isku furan lahaayeen wax kasta haddii la siiyo, waxaana ku dhici waxayna maleysanayn iyadoo lagu abaal-marin kibirkoodii iyo jeesjeeskoodii, mana habboona in marka dhib kugu dhacana aad Eebbe baridid, markuu khayr ku siiyana aad dhahdaa ‘Waan mutaa,’ sidii gaaladii hore oon waxba u tarin waxay kasbanayeen, waxaana dhab ah in cid walba la abaal-marin ama ha horreeyo ama ha dambeeyee, Eebbaana nolasha waasiciya ama ku cidhiidhya, xikmad darteed, si ciddii Xaqa rumeysay ugu waano qaadato. Qurdubi wuxuu yidhi, “Waxaa loo xusay kuwa Xaqa rumeeyey waxay ogyihiin inuu waasicinta rizqiga ay tahay imtixaan lagana yaabo cidhiidhintiisu inay wayneyn tahay.” Az-Zumar (46-52)

 

  1. Waxaad dhahdaa Nabiyow addoomadayda ku xad-gudbay naftoodow haka quusanina naxariista Eebbe, Eebbaa dhaafa danbiyada dhamaantoode, waana dambi-dhaaf badane naxariis badane.
  2. U noqda Eebbihiin una hoggaansama ka hor cadaab idiin ku yimaaddoon laydiinkana gargaarayn.
  3. Raaca kan wanaagsan ee laydiinka soo dajiyey Eebbe xaggiisa, ka hor cadaab idinku yimaadda kado, idinkoon ogayn.
  4. Ama odhan nafu “Shalleyte, waxaan ku gabood-falay cibaadada Eebbe waxaana ahaa kuwa jeesjeesa.”
  5. “Ama ayan odhan haddii Eebbe i hanuuniyo waxaan noqon lahaa kuwa dhawrsada.”
  6. Ama ayan odhan markay aragto cadaabka, “Hadday noqosho ii sugnaan laheyd waxaan ahaan lahaa kuwa samo-fala.”
  7. Saas ma ah ee waxaa kuu yimid aayaadkaygii waadna beenisay waadna is-waynaysay waxaadna kamid noqotay gaalada.

 

Dadku way gafayaan had iyo jeer Eebbana wuxuu ugu bishaareeyay addoomadiisa mu’miniinta ah inayna ka quusan naxariistiisa waa dambi-dhaaf ee, loona noqdo Eebbe, loona hoggaansamo geeri iyo Qiyaame ka hor, taasoon calaacal iyo catow iyo iceliya aan wax tarayn, maxaa yeelay Xaqu waa cad yahay ciddii isla-waynaata oo Xaqa diiddana waxay kamid noqon gaalada Xaq-diidayaasha ah, aayadahanna waa yeedhid iyo digniinta dadka oo dhan. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Ruuxii ka quusiya addoomaha Eebbe tawbadda tan kadib wuxuu diiday Kitaabka Eebbe.” Az-Zumar (53-59)

 

  1. Maalinta Qiyaamana waxaad arkeysaa kuwii ku been-abuurtay Eebbe korkiisa oo wajiyadoodu madow yahay, miyayna Jahannamo dhexdeedu ahayn hoyga kuwa is-kibriya?
  2. Wuuna koriyaa Eebbe kuwa dhawrsaday liibaantooda darteed, mana taabto xumaanu mana murugoodaan.
  3. Eebbana waa abuuraha wax kaste, waana wax walba wakiilkiisa [maamulaha].
  4. Isagaana iska leh xukunka samooyinka iyo dhulkaba, kuwa ka gaaloobay aayaadka Eebbana waa kuwa khasaaray.
  5. Waxaad dhahdaa, “Ma wax kasoo hadhay Eebbaad i faraysaan inaan caabudo jaahiliin yahay?”
  6. Waxaa dhab ahaan loogu waxyooday adiga iyo kuwii kaa horreeyeyba Nabiyow haddaad wax la wadaajisa [Eebbe] waxaa buri camalkaaga, waxaadna kamid noqon kuwa khasaaray.
  7. Ee Eebbe uun caabud noqona kuwa ku mahdiya.
  8. Mayna waynaynin gaaladii Eebbe waynaantiisa dhabta ah, isagoo dhulka dhammaantiis ku jiro xukunkiisa maalinta Qiyaame, samooyinkuna ku duuban yihiin yamiintiisa, Eebbaa ka nazahan kana sarreeya waxay la wadaajiyeen.

 

*Midigtiisa waana mid u qalanta, hana awilin. (dib u eegaha).

Qiyaamadu waa dhab, cid walbana waxaa laga abaal-marin camalkeeda, waxaana loo qaybsami mid farxa oo bishaaraysta iyo mid naxa oo dullooba, Eebbaana xukunka iyo awoodda iska leh maalintaas, mana habboona in lala wadaajiyo cibaadadiisa cid kale, ciddii wax la wadaajisana camalkeedu wuu buri, xumaanna ka sarreeya iyo wax lala wadaajiyaba. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Gaaladu ma waynayn Eebbe mudnaantiisa, ruuxii rumeeya in Eebbe wax walba karo wuu wayneeyay waynidiisa dhabta ah, ruux aan rumeyninna ma waynayn.” Az-Zumar (60-67)

 

  1. Waxaa la afuufi suurka [buunka Qiyaame] waxaana suuxi [dhiman] waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, cidduu Eebbe doona mooyee, markaasaa la afuufi mid kale waxaana soo bixi dadkii iyagoo taagan oo sugi [xukunka Eebbe].
  2. Wuxuuna la ifi dhulku Nuurka Eebbihiis waxaana lasoo dajin [dhawayn] Kitaabkii [camalka] waxaana la keeni Nabiyadii iyo maraggii [malaa‘igta], waxaana lagu kala xukumi dhexdooda xaq lamana dulmiyo.
  3. Waxaana loo oofin [dhammeyn] naf kastaa waxay camal fashay, Eebbana waa ogyahay waxay camal falayaan.
  4. Waxaana loo kaxeyn kuwii gaaloobay xagga Jahannamo iyagoo kooxo ah markay yimaadaan Naartana waxaa la furaa albaabadeeda waxayna u dhahaan adeeggaheedu, “Miyeyna idiin imaanin Rasuullo idin kamid ah oo idinku akhriya aayaadka Eebbihiin idiinkana diga la-kulanka maalintiinnan?” waxayna dhihi, “Way noo yimaadeen,” waxaase ku rumoobay gaalada kalimaddii cadaabka [ee Eebbe].
  5. Waxaana lagu dhihi, “Gala albaabbada Jahannamo idinkoo ku waari dhexdeeda, iyadaana u xun meelay ku hoydaan kuwa is-kibriya.”

 

Sidoo kale Qiyaamadu waa xaq sugan, waxaana dadka ku dhici qaylo ay cid kasta la suuxi lana dhiman, intuu Eebbe doono mooyee, kadibna la afuufi suurka Qiyaame, dadkuna soo bixi, Eebbahoodna hor is-taagi, dhulkuna la ifi Nuurka Eebbe, lana keeni Kitaabkii camalka, Nabiyadii iyo markhaatiyadii, caddaaladna Eebbe ku kala xukmin isagoon cidna dulmiyeyn, naf walbana waxaa lagu abaal-marin waxay camal fashay isagoo Eebbe dhab u ogyahay, gaaladana waxaa loo kaxayn xagga Naarta Jahannamo iyagoo kooxa ah, malaa‘igtuna ay warsan in Rasuullo loo soo diray ku akhrida Xaqa ugana digta Qiyaamada, way qiran gaaladii arrintaas waxaase u waajibtay ciqaab daran, waxaana la fari inay galaan Jahannamo oo markaas la furay albaabbadeeda wayna ku waari, waana hoyga kuwa is-kibriya. Abuu Hureyre waxaa laga wariyey in Nabigu yidhi, “Labada afuufo waxaa u dhaxeyn afartan.” Abuu Hureyre wuxuu yidhi, “Ma ogi afartankaas.” Az-Zumar (68-72)

 

  1. Waxaana loo wadi kuwii ka dhawrsaday Eebbahood xagga Jannada iyagoo kooxa ah markay yimaadaan Jannadana iyadoo la furay albaabbadeeda [mar hore] waxay ku dhihi adeeggaheedu, “Nabadgalyo korkiinna ha ahaato, waad wanaagsanaateen [liibaanteen] ee gala Jannada idinkoo ku waari.”
  2. Waxayna dhihi, “Mahad waxaa iska leh Eebbaha noo rumeeyey yaboohiisa, nana dhaxalsiiyay dhulka [Jannada] waxaana ka dagnaa Jannada meeshaan doonno waxaana wanaag badan ajriga kuwii camal falay.”
  3. Waxaad arkaysaa malaa‘igtoo ku wareegsan gaararka Carshiga kuna tasbiixsan mahadda Eebbahood, waana la kala xukumi dadkii dhexdooda si xaq ah, waxaana la dhihi, “Mahad Eebbaa iska leh ee ah Eebbaha caalamka.”

 

Mu‘miniinta waxaa loo wadi xagga Jannada iyagoo wafdi ah, iyadoo loo sii furi, malaa‘igtuna soo dhaweyn oo salaami, kuna dhihi, “Waad liibaanteene Jannadana gala idinkoo ku waari,” waxayna ku mahdiyaan Eebbahoode, illeen wuxuu galiyey Janno ay ka dagi meeshay rabaane, malaa‘igtuna waxay ku meeraysan gaararka Carshiga, xaalkuna wuxuu ku dhammaan in dadka caddaalad lagu kala xukumo iyo in awood iyo mahadi u sugnaatay Eebbaha caalamka. Maxaa ka wayn maalintaas, maxaase ka farax iyo liibaan badan mu‘miniinta, kana khasaare iyo qoomamo badan gaalada, kana awood iyo caddaalad badan Eebbaha xakamka caadilka ah? Mucaad waxaa laga wariyey in Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebba ha yeelee) yidhi, “Furaha Jannadu waa Eebbe mooyee ilaah kale (xaq lagu caabudo) ma jiro (Ashahaadada).” Waxaa sheegay Muslim. Az-Zumar (73-75)

 

Suurat Qaafir

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Xaa. Miim. [Waxay ku tusin mucjisada Qur’aanka sidii soo hor martay.]
  2. Soo-dajinta Kitaabka [Qur’aanka] waxay ka ahaatay Eebbaha adkaada ee wax walba og.
  3. Ee dhaafa danbiga aqbalana tawbadda, ayna daran tahay ciqaabtiisu, ee nicmada badan leh, ilaahay [xaq lagu caabudo] aan Isaga ahaynna ma jiro, xaggiisaana loo noqon.
  4. Kuma doodo aayaadka Eebbe kuwa gaaloobey mooyee, ee yeyna kugu dhagrin gadgaddoonkooda adduunka.
  5. Waxaa beeniyay hortood qawmkii [Nabi] Nuux iyo xizbiyadii ka dambeeyey, waxayna doontay ummad kastaa Rasuulkoodii inay qabato [oy dilaan] waxayna ku doodeen baadil [xumaan] inay Xaqa ku tirtiraan, markaasaan qabtay ee waa sidee ciqaabteydii?
  6. Saasayna ugu sugnaatay kalimaddii Eebbe [ciqaabtiisu] kuwii gaaloobay, waana inay yihiin Naarta ehelkeeda.

 

Qur’aanka Eebbaa soo dajiyey, waana adkaade wax walba oge, dambi-dhaafe, tawbad-aqbale, ciqaab-darane, iyo khayr-badane xaggiisa loo noqon, Qur’aanka oo la beeniyana oo si xun loogu doodo waa caadada gaalada, adduunka oo lagu hor-marana kuma tusiso jeclaansho Eebbe, ee haku kadsoomin socsocodka gaalada (Xaq-diidayaasha) gaalana waa isku fikrad lagasoo billaabo Nabi Nuux, waxayna dooni inay dilaan Nabiyada iyo dadka wanaagga fari, Xaqana xumaan ku qariyaan, waxaase daran ciqaabta Eebbe uu ku abaal-marin Naar ruuxii Xaqa ku qariya xumaan, Eebbe iyo Rasuulkiisuna waa ka bari. Qaafir (1-6)

 

  1. Kuwa [malaa’igta] xambaarsan Carshiga iyo kuwa gaararkiisa ah waxay ku tasbiixsan kuna mahadin Eebbehood wayna rumeysan yihiin, waxayna u dambi-dhaaf warsan kuwa rumeeyey iyagoo dhihi, “Eebbahanow waxaad ugu waasac noqon wax kasta naxariis iyo ogaanshee u dambi-dhaaf kuwa tawbad-keena ee raaca Jidkaaga kana dhawr cadaabka Jaxiimo.”
  2. “Eebbow gali kuwaas Jannada Cadni ee ah taad u yaboohday iyaga iyo ruuxii suubbanaada oo ah aabbayaalkood, haweenkooda iyo carruurtooda, adigaa ah adkaade falsane.”
  3. “Kana dhawr xumaanta [ciqaabta] ruuxaad ka dhawrto xumaanta maalintaas waad u naxariisatay taasina waa liibaanta wayn.”

 

Iimaanku waa wax wayn oo qiimo badan maxaa yeelay malaa‘igta Eebbe ee xambaarsan Carshiga iyo kuwa gaarar jooga waxay u ducayn una dambi-dhaaf warsan mu‘miniinta Jidka Eebbe ku toosan iyo ehelkooda, iyagoo u warsan Eebbe inuu Janno galiyo ciqaabna ka dhawro, taasna waxay ku tusin qaraabonimada ugu fiican inay tahay tan iimaanka ee isku xidhay cirka iyo dhulka, wuxuuna ka sarreeyaa wax kastoo wax isku xidha, saasaana looga baahan yahay mu‘miniinta inay isu jeclaadaan isuguna duceeyaan. Waxaana sugnaatay hadduu Muslim u-duceeyo walaalkiisa Muslimka ah isagoo ka maqan malaa‘igtu waxay dhahdaa, “Aamiin adna waxaa kuu sugnaatay wax lamid ah.” Waxaa wariyey Muslim. Qaafir (7-9)

 

  1. Kuwa gaaloobay waxaa loogu dhawaaqaa [Qiyaamada], “Cadhada Eebbaa ka wayn cadhadaad naftiinna u-cadhootaan, maxaa yeelay waxaa laydiinku yeedhi jiray iimaanka markaasaad gaaloobayseen.”
  2. Waxay dhihi, “Eebbow waxaad na dishay laba jeer waxaadna na noolaysay laba jeer waana qirannay dambigannagii ee ma suurowdaa jid Naarta looga baxo?”
  3. Arrintaas waxaa ugu wacan in marka loo yeedho Eebbe kaliya aad gaalowdaan, haddii wax lala wadaajiyana aad rumeysaan, xukunka dhamaantiisna Eebbaa iska leh ee Sarreeya Waynna.
  4. Eebbe waa kan idin tusiya aayaadkiisa idiinkana soo-dajiya samada rizqi [roob] mana xusuusto ruux Eebbe u-noqon mooyee.
  5. Ee bari [caabud] Eebbe adoo u kali-yeeli cibaadada haba naceen gaaladuye.

 

Cadhada Eebbe iyo ciqaabtiisa yaa ka wayn kana culus u-cadhoonsho naf markay meel xun kuu horseeddo Xaqana kaa leexiso, calaacal iyo catowna wax ma taro Qiyaamada iyo dambi la qirto midna, mar haddaad adduunkii ku dhunto. Mana habboona xaqna ma aha in marka Eebbe kaliya la xuso la gaaloobo Xaqana la diido, marka wax kale lala caabudana la rumeeyo, arrintaas xukunkeedana Eebbaha Wayn baa maamuli, ee ah kan tusiya dadka aayaadkiisa, cirkana roob uga keena, xaqna ay tahay in loo tawbad-keeno lana caabudo isagoo loo kali-yeeli Diinta iyo cibaadada, haba naceen oo diideen gaaladuye. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) wuxuu yidhi, “Barya Eebbe Sarreeye idinkoo yaqiinsan ijaabo, ogaadana in Eebbe Sarreeye uusan ajiibayn duco qalbi halmaansan oo shuqloon.” Waxaa wariyay Ibnu Abii Xaatim. Qaafir (10-14)

 

  1. Eebbe waa kan ay sarrayso darajadiisu [waxna kor-yeela] Carshigana iska leh, kuna soo-dajiya waxyigiisa [iyo Jibriil] oo ah amarkiisa cidduu doono oo adoommadiisa ah, si uu uga digo Maalinta Kulanka [Qiyaamada].
  2. Maalintay usoo muuqan [usoo bixi] Eebbe waxba kama qarsoona korkiisa, wuxuuna dhihi Eebbe, “Yaa xukunka iska leh manta?” markaasuu dhihi, “Eebbaha kalida ah ee awoodda badan.”
  3. Maanta [Qiyaamada] waxaa laga abaal-marin naf kastaa waxay kasbatay, dulmina ma jiro Maanta, Eebbana wey dagdag badan tahay xisaabtiisu.
  4. Uga dig Nabiyow dadka maalinta dhaw [Qiyaamada] markuu wadnuhu imaan dhuunta [cabsi darted] iyagoo naxsan daalimiinna uma sugnaan sokeeye iyo mid u shafeecoo la maqlo.
  5. Eebbe waa ogyahay khayaanada indhaha iyo waxay qarin laabtu.
  6. Eebbe wuxuu xukumaa Xaqa, waxay caabudina oo Eebba ka sokeeya waxba ma xukumaan, Eebbana waa maqle arka ah.

 

Eebbaa sharaf leh, cidduu doonana sharrifa, waxyigiisana kusoo dajiyay addoomaduu doortay ee Nabiyada ahaa, si ay dadka ugu digaan. Xukunka adduunka iyo Aakhiraba Eebbaa iska leh wax ka qarsoonna ma jiro cidna ma dulmiyo, xisaabtiisuna waa daran tahay, dadkana waxaa looga digayaa maalinta Qiyaame ee dhaw, illeen wixii imaanba waa dhaw yahaye, waana maalin cabsi badan wadnuhuna dhuunta imaan, cidna wax isu-tarayn, Eebbana wax walba daalacan, Xaqana xukumi, waxa la caabudo ee kasoo hadhayna ayan waxba qabaneyn. Xadiith Qudsi waxaa ku sugnaaday in Eebbe yidhi, “Addoomadaydow waan ka reebay dulmiga naftayda waxaana ka yeelay dhexdiinna mid reebban ee hays dulmiyina…” Waxaa wariyay Muslim. Qaafir (15-20)

 

  1. Miyayna ku soconin dhulka ooyan fiirinin siday noqotay cidhibtii kuwii ka horreeyey [gaaladan] waxay ahaayeen kuwa ka xoog badan kana camiraad badan dhulka, markaasuu qabtay Eebbe danbigooda dartiis umana sugnaan waxa Eebbe kasoo hadhay wax daafaca.
  2. Waxaana saas ugu wacan inay ahayd xujooyin, oy ka gaaloobeen markaas Eebbe qabtay maxaa yeelay waa xoog badane ay daran tahay ciqaabtiisu.
  3. Dhab ahaan yaan [Nabi] Muuse ugu dirray isagoo wata aayaadkannaga iyo xujo cad.
  4. Xagga Fircoon, Haamaan iyo Qaaruun waxayna dheheen, “Waa sixirrow beenaala ah.”
  5. Markuu ugala yimid Xaqa agtannada waxay dheheen, “Dila wiilasha kuwa rumeeyey, daayana haweenka [gabdhaha].” Dhagarta gaaladuna ma aha waxaan khasaare ahayn.
  6. Wuxuu yidhi Fircoon, “I daaya aan dilo Muusee hana u yeedho Eebbihiisa, waxaan ka cabsan inuu idinka baddalo diinta ama uu ka muujiyo dhulka fasaad.”
  7. Wuxuuna yidhi [Nabi] Muuse, “Waxaan ka magan-galay Eebbahay iyo Eebbihiin mid kasta oo is-kibriya [isla-wayn] oon rumayn Maalinta Xisaabta [Qiyaamada].”

 

Dhulka waa in lagu waano-qaato lana eego dadkii horee dagganaa iyo sida Eebbe u halaagay iyagoo xoog badnaa, markey beeniyeen Rasuulladoodii Eebbana si daran ayuu u ciqaabay, tan kale qisada Nabi Muuse wax badan yey Qur’aanka kusoo aroortay, halkanna Fircoon, Haamaan iyo Qaaruun waxay beeniyeen Xaqii, waxayna is-fareen in la laayo wiilasha kuwa rumeeyey Muuse, haweenkana daayaan, waxay dhagraan gaalana waa uun khasaare, tan kale Fircoon wuxuu codsaday in la daayo si uu u dilo Muuse isaga oo sheegi inuu baddali diinta, dhulkana fasaadin, taasina waa caadada xumaan iyo shar ka-taliyayasha inay wanaagga iyo dadkiisa ceebeeyaan, lana dagaallamaan. Nabi Muusana wuxuu magan galay Eebbe kibir-badane dhammaantiis oo beeniyey xisaabinta Qiyaame. Qaafir (21-27)

 

  1. Wuxuu yidhi nin mu’min ah oo kamid ah dadka Fircoon oo qarinaayay iimaankiisa, “Ma waxaad u dilaysaan in uu yidhi Eebbahay waa Alle, isagoo idiin kala yimid xujooyin xagga Eebbihiin? Hadduu beenaale yahayna isagay dhibi beentiisu, hadduu runle yahayna waxaa idin ku dhici wuxuu idiin ku yaboohay qaarkiis, Eebbana ma hanuuniyo danbi-badane been badan.”
  2. “Qawmkayow, idinkaa iska leh xukunka maanta una adag dhulka, yaase nooga gargaari cadaabka Eebbe hadduu inoo yimaado?” Fircoon wuxuu yidhi, “Idin kula talin maayo waxaan ahayn ra‘yigayga [waxa ii muuqda] idinkumana hanuuniyo waxaan ahayn waddada xaqa ah.”
  3. Wuxuu yidhi kii rumeeyey [Xaqa], “Qawmkayow waxaan idiin ka cabsan sidii maalintii xizbiyadii.”
  4. “Sidii qawmkii [Nabi] Nuux iyo reer Caad iyo Thamuud iyo kuwii ka dambeeyey, Eebbana ma aha mid la doona dulmi addoomada.”
  5. “Qawmkayow waxaan idinka cabsan maalinta isu-yeedhidda [Qiyaamada].”
  6. “Maalintaad jeedsan doontaan idinkoo carari, idiinna sugnayn wax Eebbe idinka ilaaliya, ruux Eebbe dhumiyeyna ma laha [ma jiro] wax hanuunin.”

 

Cid fiican oo xumaanta reebta wanaaggana farta lama waayo, waxaana kamid ah mu‘minkaas Fircoon ehelkiisa kamid ahaa, ee qariyay iimaankiisa, kuna yidhi “Ma waxaad dileysaan nin yidhi Eebbahay waa Alle, oo xujooyin idiin la yimid, hadduu beenaale yahay isagay dhibi, hadduu runle yahayna waxaa idinku dhici wuxuu sheegi qaarkiis, maantana idinkaa dhulka xukuma oo ka muuqda, haddiise dhib Eebbe yimaado yaa inaga korin?” Fircoonse nin xun buu ahaa wuxuuna ku yidhi qawmkiisii, “Arrini waa taan anigu sheego oon ra’yiyeeyo, waxaan wanaag ahaynna idin tusin maayo,” laakiin ma dhab baa, xumaantuu tusiyay una hoggaamiyay miyaan loo halaagin, sidii kuwii ka horreeyey, taasna waxay ka digi xumaan-wade warkiisa. Qaafir (28-33)

 

  1. Waxaa dhab ahaan idiin kula yimid xujooyin mar hore [Nabi] Yuusuf, kamana aydaan tagin shaki wuxuu idiin la yimid markuu dhintayna waxaad dhahdeen, “Ma soo bixinaayo Eebbe gadaashiis Rasuul, saasuuna u dhumiyaa Eebbe ruux xad-gudba oo shaki badan.”
  2. Kuwa ku doodaya aayaadkannaga xujo u timid la’aanteed waxaa ku waynaatay cadho Eebbe agtiisa iyo kuwa rumeeyay, saasuuna u daabacaa Eebbe qalbi kastoo is-kibriya oo daalim ah.
  3. Wuxuu yidhi Fircoon, “Haamaanow, ii dhis daar [sar] si aan ugu gaadho waddooyinka.”
  4. “Waddooyinka samooyinka markaas aan daalacdo Ilaaha Muuse, anigu waxaan u malayn beenaalee.” Saasaana loogu qurxiyay Fircoon camalkiisa xun loogana leexiyay Jidka, dhagarta Fircoonna ma aha waxaan khasaare ahayn.
  5. Wuxuu yidhi kii rumeeyay [Xaqa], “Qawmkayow, i raaca waxaan idinku hanuunin Jidka fiicane.”
  6. “Qawmkayow nolashan adduunyo ee dhaw waa uun raaxo [yar] Aakharaase guri nagaadi ah.”
  7. Ruuxii camal xun sameeya laguma abaal-mariyo wax lamid ah mooyee, ruuxiise camal fiican fala lab iyo dhaddigba isagoo rumaysan kuwaasi waxay gali Jannada, waana lagu arzuqi dhexdeeda xisaab la’aan.

 

Qisada Nabi Yuusuf waxay ku faahfaahsan tahay suuradda magaciisa xanbaarsan, tan kale in gadaashiis Nabi lasoo diri ciddii diiday waa cid dhunsan, isla-wayne, dulmi-badane, Xaq-diide iyo xumaan-ku-murme dhammaantood Eebbe waa u cadhoodaa iyo mu‘miniintuba, Xaqana ma arko kaasoo kale, waxaa iyana wax lala yaabo ah doqonnimadii Fircoon iyo isla-waynidiisii intuu ka doonay in loo dhiso guri dheer oo uu dadka ku tusiyo inuu Ilaahay daydayi, taasina waa waallidiisii iyo camalkiisii xumaa ee wax badan Qur’aanku ka warramay. Ma siman yihiin kaas iyo kan Jidka fiican dadka ku toosiyay, ugana digay xumaanta adduunyo, iyadoo cid walba la abaalmarin rag iyo haweenba? Qaafir (34-40)

 

  1. “Qawmkayow maxaa ugu wacan inaan idiinku yeedho korid idinna iigu yeedhaan Naar.”
  2. “Iiguna yeedhaan inaan ka gaaloobo Eebbe lana wadaajiyo [cibaadada] waxaanan aqoon u lahayn, aniguna waxaan idiin ku yeedhi xagga Eebbaha adkaada ee dambi-dhaafa.”
  3. “Waxaan shaki lahayn in waxaad iigu yeedhaysaan xaggiisa uusan lahayn nafci [iyo wax ajiiba] adduun iyo Aakhiraba, waxaana laynoo celin xagga Eebbe kuwa xad-gudbana iyaga uun baa ah asxaabta [ehelka] Naarta.”
  4. “Waadna xusuusan doontaan waxaan idin ku leeyahay, waxaana u bandhigay amarkayga xagga Eebbe, illeen Eebbaa arka addoomadee.”
  5. Markaasaa Eebbe ka dhawray mu‘minkaas xumaantay ku dhagreen, waxaana ku dhacay [ku dagay] Fircoon iyo ehelkiisii cadaab xun.
  6. Naar baana loo bandhigaa aroortii iyo galabtiiba, maalintay kacayso Saacadduna [Qiyaamada waxaa la dhihi], “Galiya Fircoon iyo ehelkiisa kan ugu daran cadaab.”

 

Ninkaasu wuxuu u jeediyey qawmkiisii hadallo iyo waano qiimo badan, wuxuuna u sheegay inuu wanaag iyo nabadgalyo ugu yeedhi iyana Naar iyo gaalnimo aan wax khayr iyo nafci ah lahayn iyo caabudid ilaahyo baas, wuxuuna caddeeyey in xad-gudbayaal abaalkoodu yahay Naar, ayna xusuusan doonaan waxa wanaagsan ee uu sheegi, amarkiisuna uu Eebbe u bandhigi isagoo arka addoomadiisa, Eebbana waa ka nabadgaliyey dhagartii Fircoon, isagana waxaa ku dagay xumaantay maleegeen, qabriga iyo Qiyaamadana waa lagu cadaabi iyaga iyo wixii waddadooda qaada. Qaafir (41-46)

 

  1. Xusuuso waqtigay ku doodi ehlu-Naarku Naarta dhexdeeda ooy ku odhan kuwii [raaciyada ahaa] kuwii [madaxda ahaa] ee isla-weynaa, “Idinkaan idin raacaynay ee wax ma nooga taraysaan qayb Naarta kamid ah.”
  2. Waxay dheheen kuwii is-kibriyey, “Dhammaanteen waxaan ahaanaynaa Naarta dhexdeeda, Eebbana waa kala xukumay addoomadiisa dhexdooda.”
  3. Waxayna ku dhaheen kuwa Naarta ku sugan adeegaha Jahannamo, “Noo barya Eebbihiin inuu naga fududeeyo maalin cadaabka.”
  4. Waxay dheheen adeegayaashii, “Miyeyna ahayn inay idiin la timid Rasuulladii xujooyin?” Waxay dhaheen, “Way noola timid.” Waxayna dhaheen, “Barya idinku marka Eebbe,” baryada gaaladana ma aha waxaan baadi iyo khasaare ahayn.
  5. Annagaa u gargaari Rasuulladannada iyo kuwa rumeeyey Xaqa nolosha adduun iyo maalinta ay kici maragyadu.
  6. Maalintayna anfacayn daalimiinta cudur-daarkoodu, ayna u sugnaan naclad iyo guri xun [Naar].

 

Dood iyo muran iyo calaacal ehlu-Naarna wax ma taro, waxayna sheegi aayaddani inay murmi madaxdii xumayd iyo shacabkii xumaanta ku raacay, dhammaanna ay Naarta gali, wax uga maciini cadaabkana ayna heleyn. Eebbana u gargaari Rasuulladiisa iyo kuwa Xaqa ku raacay. Saas darteed waa in wanaagga laysku raacaa iyo Eebbe u-dhawaanshaha, oonse laysku raacin layskuna taageerin gaalnimada iyo xumaanta, si aan Qiyaamada loo dulloobin. Qaafir (47-52)

 

  1. Dhab ahaan yaan u siinnay Nabi Muuse hanuun [Nabinimo] una dhaxalsiinayna Banii Israa‘iil Kitaabka [Tawreed].
  2. Hanuun iyo waano isagoo u ah kuwa caqliga leh.
  3. Ee samir Nabiyow yabooha Eebbe waa dhabe, dambi-dhaafna waydiiso kuna tasbiixso adoo ku dheehan mahadda Eebbahaa galab iyo aroorba.
  4. Kuwa ku murmi aayaadka Eebbe xujo la’aan u timid laabtooda ma aha waxaan kibir ayna gaadhayn ahayn, ee ka magan-gala Eebbe isagaa wax maqla waxna arkee.
  5. Abuuridda cirka iyo dhulka yaa ka wayn abuuridda dadka [sida u muuqata] laakiin dadka badidiis ma oga.
  6. Ma eka indhoole iyo arke iyo kuwa rumeeyey [Xaqa] camal fiicanna falay iyo xumaanlow, wax yar baadse xusuusanaysaan.
  7. Saacadda [Qiyaame] way iman shaki la‘aan laakiin dadka badidiis ma rumeynayaan.

 

Wax badan yaa qisada Nabi Muuse iyo Nabiyada kalaba lagu soo celceliyey Qur’aanka, si Nabigu u weheshado una xusuusto sidii loo dhibay Eebbana ugu gargaaray, waxaana Eebbe u dardaarmay Nabiga inuu sii badiyo cibaadada Eebbe iyo ku-xidhnaantiisa, kuwa ku murmi Xaqa xuja-la’aan waxaa qalbiigooda galay isla-weyni aan meel jirin, Eebbahaase abuuray cirka iyo dhulka miyaa ka caajisi soo-celintooda iyo wuxuu rabo inuu abuuro, ma sinna ruux hanuunsan iyo mid dhunsan, mana sinna mu‘min camal falay iyo xumaanlow, mase xusuusan yihiin dadku saacadda Qiyaame? Waa dhab inaan mu‘min baarri ah iyo gaal xun sinnayn laakiin dadku saas ma garanayaan. Qaafir (53-59)

 

  1. Wuxuu yidhi Eebbihiin, “I barya aan idiin ajiibee [aqbalee] kuwa iska weyneeya cibaadadayda waxay gali doonaan Naarta Jahannamo ayagoo dulleysan.”
  2. Eebbe waa kan idiin yeeley habeenka inaad xasiloonaataan dhexdiisa, maalintana ***(Ifid) arag, Eebbana waa kan wax ku galladaysta dadka laakiin dadka badankiisu kuma mahdiyaan.
  3. Kaasi waa Allihiin, Eebbana idiin ah wax walbana abuuro, Eebbe mooyee mid kale ma jiro ee xaggee Xaqa laydiinka iili?
  4. Saas oo kale yaa loo iilay kuwii aayaadka Eebbe diidi jiray.
  5. Eebbe waa kan idiinka yeelay dhulka meel sugnaansho, cirkana dhismo oo idin sawiray wanaajiyayna suuraddiina oo idinku arzaaqay wax wanaagsan kaasi waa Eebbihiin waxaana sarreeya oo nazahan Eebbaha caalamka Eebbihiisa ah.
  6. Eebbaha nool, eebbe aan isaga ahaynna ma jiro ee barya [caabudana] idinkoo u kali-yeeli Diinta, mahadna waxaa iska leh Eebbaha caalamka.

 

Nabigu wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), “Baryadu waa cibaado.” Wuxuuna akhriyey aayaddan. Saas darteed waa in uun Eebbe la baryaa lana caabudaa, ciddii iska kibrisana waxay gali iyadoo dulleysan Naarta, maxaa yeeley wa kan noogu nicmeeyey habeenka iyo maalintaba, wax walbana abuuray, dhulkana inooga yeeley wax lagu sugnaado cirkana dhismo, oo ina sawiray, qurxiyayna suuraddeenna, wax wanaagsan oo xalaal ahna inagu arzaaqay, kaasi waa Eebbeheen wuxuuna inaga mudan yahay mahad, baryo, cibaado iyo wayneyn. Qaafir (60-65)

 

  1. Waxaad dhahdaa Nabiyow, “Waxaa layga reebay inaan caabudo waxaad baryeysaan Eebbe ka sokow markay iiga yimaadeen xujooyin xagga Eebbahay, waxaana lay faray inaan u hoggaansamo Eebbaha caalamka.”
  2. Eebbe waa kan idinka abuuray carrada haddana dhibic, haddana calaqo markaas idin soo bixiyey idinkoo ilma ah, haddana aad gaadhaan xooggiina, haddana aad noqotaan odayo waxaase idin kamid ah cid la oofsado [dhimata] intaas ka hor, iyo inaad gaadhaan waqti magacaaban waxaad u dhawdihiin inaad wax kastaan.
  3. Eebbe waa kan wax nooleeya waxna dila markuu doono inuu xukumo amarna wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaadaa.
  4. Ka warran kuwa ku murmi aayaadka Eebbe xaggee looga iili Xaqa?
  5. Kuwa beeniyay Kitaabka [Qur’aanka] iyo waxaan lasoo dirray Rasuulladannada way ogaan doonaan cidhibtooda.
  6. Marka katiinado la yeelo luquntooda silsiladdana lagu jiido.
  7. Kulayl haddana [Naar] lagu jiido.*
  8. Markaas lagu dhaho aaway waxaad la wadaajiseen cibaadada
  9. Eebbe ka sokow? Waxayna odhan, “Waa naga dhumeen [waynay],” anase aanaan ahayn kuwo wax u caabuday horay, saasuuna Eebbe u dhumiyaa gaalada.
  10. Taasina waa waxaad ugu farxi jirteen xumaanta dhulka dhexdiisa xaq-darro iyo waxaad la kibri jirteen.
  11. Ee gala irdaha Jahannamo idinkoo ku waari waxaana u xun meeluu ku hoydo isla-wayne Naarta Jahannamo.

 

Eebbe wuxuu dadka ku adkeeyay inay isaga uun caabudaan, una hoggaansamaan, Nabiguna waa ka fog yahay inuu u jeedsado waxaan Eebbe ahayn ee waa guubaabo dadka. Awooddana Eebbaa iska leh, dadkana abuuray dilina doona, ciddii xaq-darro ku muranta oo kibirta oo caabudda Eebbe ka sokow wax kale ama xumaan ku adeecda wuxuu gali Naarta, isagoo dullaysan oo xidhxidhan. Qaafir (66-76)

 

  1. Samir [adkayso] Nabiyow yabooha Eebbe waa xaqe, haddaanu ku tusinno waxa [guusha] aannu kuu yaboohi qaarkeed [intaad nooshahay waa wanaagga] amaan ku oofsanno [intaas ka hor] xaggannagaa loo soo celin [gaaladaas].
  2. Waxan dirray Rasuullo adiga hortaa waxaa kamid ah kuwo aan kaaga qisoonnay iyo kuwo aanaan kaaga qisoonin, Rasuulna aayad [mucjisad] ah idiin lama imaan karo Eebbe la’aantiis hadduuse yimaado amarka Eebbe [cadaabkiisu] waxaa la xukumi xaq waxaana ku khasaaray halkaas kuwa xumaanlowga ah.
  3. Eebbe waa kan idiin yeelay nicmoolayda [xoolaha] inaad waxna ka fuushaan waxna ka cuntaan.
  4. Waxaana idinka sugnaaday dhexdeeda nafci iyo inaad ku gaadhaan danihiinna laabta idinkaga jira, korkeeda iyo doonta ayaana la idinku xambaaraa.
  5. Wuxuuna idin tusiyaa aayaadkiisa ee teed aayaadka Eebbe diidaysaan?

 

Samirka iyo adkaysigu wax badan baa Qur’aanka lagu sheegay, Eebbana wuxuu Nabiga u yaboohay inuu abaal-marin gaaladii Xaqa diidday, ama adduun iyo nolosha Nabiga ama Aakhiro. Tan kale wuxuu Eebbe inoo sheegay in Rasuulladii uu diray qaarna ka qisooday kuwo kalana uu ka aamusay, wax mucjisad la imaan kara idan Eebbe la’aantiina ma jiro, markase amarka Eebbe yimaado dad waa lakala xaaqi, xumaanlowna halkaasuu ku khasaaray, Eebbena waa kan inoogu nicmeeyey xoolaha, doonyaha iyo gaadiidka kale ee la raaco, si danaha loo gaadho. Wuxuuna ina tusiyaa aayaadkiisa, mana habboona in la diido aayaadkaas. Saas darteed waa in Eebbe nicmadiisa la aqoonsado, laguna mahadiyo, wanaaggana loogu kaalmaysto. Qaafir (77-81)

 

  1. Miyayna ku soconin dhulka oo ay fiiriyaan siday noqotay cidhibtii kuwii ka horreeyay, waxay ahaayeen kuwo ka badan kana xoog badan iyo camiridda dhulka, waxna uma tarin waxay kasbadeen.
  2. Markay ula yimaadeen Rasuulladoodii xujooyin waxay ku farxeen gaaladii waxa agtooda ah oo cilmi ah, waxaana ku dagay waxay ku jeesjeesi jireen [abaalkiisii].
  3. Markay arkaan cadaabkannaga waxay dhahaan, “Waxaan rumaynay Eebbe kaliya waana diidnay waxaan Eebbe la wadaajin jirray.”
  4. Mana aha kuu anfici iimaankoodu markay arkaan cadaabkannaga, waa sunnada [dariiqada] Eebbe ee u horraysay adoommadiisa, waxaana ku khasaaray halkaas gaalada.

 

Aayadahan waxay ka warrami inay habboon tahay in dhulka la maro laguna waano-qaato sida Eebbe ku falay kuwii xoogga badnaa ee dhulka camiray ee horreeyey, waxna uusan u tarin waxay kasbadeen, markay Rasuulladii u yimaadeen iyagoo mucjisad watana ay diideen kuna farxeen waxay haystaan oo cilmi ah, ciqaabna markaas ku dhacday. Markayse gaaladu iyo xumaanlawgu arkaan dhabta yay qayliyaan diidaanna waxay caabudi jireen, ama ku dhaqmi jireen, markaasoo kalase rumayni wax ma tarto waana jidka Eebbe ee horreeyay, waxaana halkaas Qiyaamada ku khasaari gaalo. Xadiithna waxaa ku sugnaaday in “Eebbe aqbalo tawbadda addoonka intaan sakaraadku u imaan.” Khasaaraha dhabta ahna waa kan Qiyaame. Qaafir (82-85)

 

Suurat Fussilat

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Xaa. Miim. [Waxay ku tusin mucjisada Qur’aanka sida soo hormartay.]
  2. Qur’aanka waa soo-dajinta Eebbe naxariista guud iyo mid gaaraba naxariista.
  3. Waana Kitaab loo caddeeyey aayaadkiisa isagoo Qur’aan Carabi ku qoran ah ciddii wax garan.
  4. Waana bishaareeye u dige ah, waase ka jeedsadeen badankoodu waxna ma maqlayaan.
  5. Waxayna dheheen, “Quluubtannadu waxay kaga sugan tahay dabool waxaad noogu yeedhi, dhagahannagana waxaa kaga jira culeys, dhexdannada iyo adigana waxaa ah xijaab, ee camal fal anana waan camal-faleynaaye.”
  6. Waxaad dhahdaa [Nabiyow], “Anigu waxaan uun ahay bashar [dad] idinkoo kale ah, waxaana la ii waxyooday in Eebbehenno yahay Eebbe kaliya, ee u toosnaada xaggiisa, kana dambi-dhaaf waydiista, halaagna wuxuu u sugnaaday mushrikiinta.
  7. Kuwaan bixinin zakada ahna Aakhiro kuwa ka gaaloobey.
  8. Kuwa Xaqa rumeeyeyse oo camal fiican falay waxaa u-sugnaaday ajri aan guraynin.

 

Qur’aanka oo aayadihiisa cadcad yihiin Eebbaa usoo dajiyey isagoo Carabi ah ciddii garan, bishaareeye diga ah, dadka badidiise waa ka jeedsadeen, mana maqlaan, waxayna sheegteen inay qalbiga ka daboolan yihiin, dhagahana ka culus yihiin, Xaqana xijaab ka xigo, Nabiguse waa bashar waxaana loo waxyooday in Eebbe kaliya Ilaah yahay, lana toosnaado, dambi-dhaafna la warsado, waxaana halaagsamay gaaladaan zakada bixinin Aakhirana diiday. Waxaase ajri aan go‘ayn mudan kuwa Xaq-rumayn iyo camal fiican isku daray. Fussilat (1-8)

 

  1. Waxaad dhahdaa [Nabiyow], “Idinku ma waxaad ka gaaloobaysaan kan [Eebbaha] ku abuuray dhulka laba maalmood, ood u-yeelaysaan kuwo lamid ah? Kaasi waa Eebbaha caalamka.”
  2. Wuxuuna yeelay dhulka dhexdiisa buuro wuuna barakeeyey dhexdiisa una qadaray [u qiyaasay] cunnadiisa afar maalmood iyadooy u siman tahay dadka weydiin.
  3. Markaasuu Eebbe u istawooday [qasday] cirka oo qiiq ah kuna yidhi cirka iyo dhulka, “Ahaada idinkoo adeecsan ama la ikraahi [la qasbi],” waxayna dheheen, “Waan nimid anagoo adeecsan.”
  4. Wuxuuna Eebbe ka abuuray cirka toddobo samo laba maalmood wuxuuna faray samo kasta amarkeedii, waxaana ku qurxinnay cirka dhaw misbaaxyo, waana ilaalinnay, taasina waa qadaridda [maamulka] Eebbaha adkaada ee wax og.

 

Ma habboona in laga gaaloobo Eebbaha wax walba abuuray sida dhulka, cirka iyo wax kasta, mana habboona in loo yeelo wax lamid ah oo lala caabudo, illeen isagaa inoo barakeeyey dhulka iyo cirka, kana yeelay waddada noolaanshaha, mid kasta u-darbay wax looga baahan yahay, aayadahan iyo kuwa kalee ka warrami abuurka cirka iyo dhulka wax is-diidaya ama iska hor-iman ma aha. Ibnu Cabbaas waxaa laga wariyey inuu Eebbe dhulka ku abuuray laba maalmood, markaas cirka abuuray, markaas dhulka fidiyey fidinteeduna waa inuu kasoo bixiyey biyo, carro, yeeleyna buuro, bacaad iyo tuurar, waxayna noqotay muddadu lix bari ah. Saas darteed wax iska hor-imaan iyo wax is-burin midna kuma jiro, kaasaana Eebbaha Xaqa ah, ayna waajibtay in si dhab ah loo caabudo, sharcigiisana loo raaco, loona gaadhsiiyo caalamka si habboon. Fussilat (9-12)

 

  1. Hadday ka jeedsadeen gaaladu [Xaqa] waxaad ku dhahdaa [Nabiyo] “Waxaan idiinka digi cadaab daran oo lamid ah kii reer Caad iyo Thamuud.”
  2. Markay ugaga timid Rasuulladii hor iyo gadaalba, iyagoo ku leh, “Ha caabudina waxaan Eebbe ahayn,” ayna ku dhaheen, “Hadduu doono Eebbeheen wuxuu soo dajin lahaa malaa‘ig, anaguna waxa laydiin soo diray waan ka gaalownay.”
  3. Reer Caad iyagu way isku kibriyeen dhulka xaq-darro, waxayna dheheen, “Yaa naga xoog badan?” Miyeyna arag Eebbaha abuuray inuu ka xoog badan yahay? Waxayna ahaayeen kuwo aayaadkannaga diiddan.
  4. Waxaana ku dirray korkooda dabayl qaylo daran toddobo maalmood oo u xun [iyaga] si aan u dhadhansiinno cadaabka dulliga nolosha adduun, cadaabka Aakhiraana kasii dulli badan loomana gargaaro.

 

Wuxuu Eebbe faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) inuu hadday gaaladu ka jeedsadaan Xaqa uu uga digo ciqaab daran oo lamid ah tii Caad iyo Thamuud, markay Rasuulladoodii fareen inay Eebbe kaliya cabudaan, ayna diideen is-kibriyeenna xumaan darted, markaas Caad Eebbe ku halaagay dabeyl daran ayna dhadhamiyeen cadaabkii dulliga iyadoo Aakhiro cadaabkeedana u dheer yahay, aayaduhuna waxay caddayn ku-sugnaanta Xaqa, in Eebbe ciqaabi Xaq-diide, in Rasuulladii u wada yeedhi jireen cibaadada Eebbe kaliya, in xoogga iyo quwada Eebbe wax walba ka daran tahay, waajibna tahay in laga dhawrsado. Fussilat (13-16)

 

  1. Reer Thamuud waxaan tusinnay Xaqa, waxayna ka jeclaadeen indho-la‘aan [baadi] hanuunkii, waxaana qabtay qaylo cadaab wax dulleeya, waxay kasbanayeen darteed.
  2. Waxaana korinnay kuwii rumeeyey [Xaqa] oo dhawrsan jiray.
  3. [U sheeg gaalada] maalinta lagu kulmin colka Eebbe Naarta iyagoo is-cidhiidhiyi.
  4. Markay yimaadaanna uu ku marag-furo korkooda, maqalkooda, araggoodu, iyo haraggoodu [jidhkoodu] waxay fali jireen.
  5. Ayna ku dhahaan korkooda [jidhkooda], “Maxaad noogu marag kacdeen?” ayna ku dhahaan, “Waxaa naga hadliyey Eebbaha ka hadliya wax kasta, isagaana idin abuuray markii hore xaggiisana laydiin celin.”
  6. Mana aydaan ahayn kuwa iska astura inay ku marag kacaan jidhkiinnu, araggiinu iyo haraggiinu, inuusan Eebbe ogayn wax badan ood falaysaan.
  7. Kaasina waa malihiinnii aad u malayseen Eebbihiin isagaana idin halaagay, waxaadna ahaateen kuwo khasaaray.
  8. Hadday samraanna Naar bay ku hoyan hadday cudur-daar dalbaanna lagama aqbalo.

 

Thamuudna wax badan buu Qur’aanku ka warramey xaalkooda iyo siday Xaqa u beeniyeen iyo sidii loo halaagay, gaalana Eebbe dhammaan wuu kulmin wuxuuna ku uruurin Naarta, waana in la ogaado inuu jidhkaagu kugu marag-furi, waana waajib in xumaanta laga fogaado si ayan kuugu marag furin xubnahaagu, wax walbana Eebbaa ka hadliya. Ciddii malaysa inaan Eebbe ogayn wuxuu fali ama uusan koobin wax walba waa cid khasaartay. Fussilat (17-24)

 

  1. Waxaan u darabnay gaalada saaxiibbo u qurxiya waxa ka horreeya, iyo waxa ka dambeeya, waxaana ku xukunaatay hadalkii Eebbe isagoo ummada kale ku dhex sugan [oo la cadaabi] oo ka horeeyey jinni iyo insina leh waxayna ahaayeen kuwo khasaaray.
  2. Waxay dhaheen kuwii gaaloobay ha maqlina Qur’aanka kuna qayliya [marka la akhrin] waxaad u dhawdihiin inaad adkaataane.
  3. Waxaan dhadhansiinaynaa kuwii gaaloobay cadaab daran, waxaana ka abaalmarinaynaa kii ugu xumaa waxay camal falayeen.
  4. Kaasi waa abaal-marinta colka Eebbe, waxayna gali Naar iyadoo u noqon guri waarid, iyagoo laga abaal-marin aayaadkannaga ay diideen.
  5. Waxay dheheen kuwii gaaloobay, “Eebbow na tusi labadaas na dhumiyey oo jinni iyo insi ah aan yeelo gomadahannaga hoostoodee si ay u noqdaan kuwo ku hooseeya [Naarta].”

 

Eebbe isagaa awooda leh, wuxuu doonana fali, gaaladana markey jidka wanaagga ka leexdeen yuu Eebbe ku lamaaneeyeyey mid kasta Shaydaan u qurxiya xumaanta, halmaansiiyana wanaagga, illeen ciqaab baa u waajibtay, wayna khasaareen, waxayna ahaayeen kuwo Qur’aanka ku ciyaara kuna qayliya waqtiga la akhrin, si ay u waswaasiyaan, waxaana lagu abaal-marin cadaab daran, waxaana laga abaal-marin camalkoodii xumaa, waana abaalka colka Eebbe saasi, waxayna ku waari Naar daran iyagoo Eebbe warsan inuu tusiyo kuwii dhumiyey jinni iyo insiba si ay ugu istaagaan Naarta dhexdeeda una yeelaan cagahooda hoostooda. maxayse tari taasi mar hadday Naar galeen, xadiithna waxaa ku sugnaaday: in ruux kastoo gar-darro loo dilo waxaa qeyb ku yeelan ina Nabi Aadam kii dilka billaabay. Fussilat (25-29)

 

  1. Kuwa yidhi Eebbahanno waa Alle haddana toosnaaday waxaa kusoo dagta malaa‘igta [markey dhiman iyadoo ku dhihi], “Ha cabsanina hana murugoonina, kuna bishaareysta Jannadii laydiin yaboohay.”
  2. “Annagaa sokeeye idiin ah nolosha adduunyo iyo Aakhiraba, waxaana idiin sugnaaday dhexdeeda waxay doonto naftiinnu waxaadna ka heleysaan waxaad dalabtaan.”
  3. Waana martiqaadka Eebbaha dambi-dhaafa ee naxariista.
  4. Yaa ka fiican hadal ruux ugu yeedhay [dadka] Eebbe xaggiisa, oo camal fiican sameeyey, oo dhaha ‘Anigu waxaan ka mid ahay Muslimiinta’?
  5. Mana eka wanaag iyo xumaan, reebna oo [bixi] arrinta fiican markaas waxaa soo bixi in midkii col idin dhex-yiil uu noqon sokeeye iyo saaxiib.
  6. Lalamana kulmiyo arrintaas kuwii samrey mooyee, lalamana kulmiyo mid nasiib weyn leh mooyee.

 

Sufyaan binu Cabdullaahi waxaa laga wariyey inuu yidhi, “Rasuulkii Eebbow ii sheeg arrin aan isku ilaaliyo,” Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) wuxuu yidhi, “Dheh Eebbahay waa Alle kuna toosnoow.” “Waxaan idhi maxaad iigu cabsi badan tahay?” Markaasuu qabtay caaradda carrabkiisa, oo yidhi, “Kan.” Waxaa wariyey Tirmidi, Axmed iyo Ibnu Maajah. Waxayna ku tusin wanaagga toosnaanta iyo in Eebbe dartiis loogu yeedho dadka, laguna faano Islaamnimada een laga xishoon, xumaan iyo wanaagna ma sinna ee had iyo jeer wanaagga ku dhaqan haku jeclaado xataa midka colka kula ahe, waxaa saas yeeli ruux fiican oo ehlu-khayr ah, had iyo jeerna Eebbe ka magan-gala Shaydaan iyo waswaaskiisa, waana kaas Islaamka toosanna ee Xaqa ah ee habboon. Fussilat (30-35)

 

  1. Hadduu ku waswaasiyo Shaydaan xaggiisa waswaasiye ka magan-gal Eebbe isagaa wax maqla waxna oge.
  2. Aayaadka Eebbe [jiriddiisa iyo qudradiisa] waxaa kamid ah habeenka, maalinta, qorraxda iyo dayaxa, ha u sujuudina qorraxda iyo dayaxa ee u sujuuda Eebbaha abuuray haddaad tihiin kuwo [dhab] u caabudi.
  3. Hadday iska kibriyaan [cibaadada] kuwa Eebbahaa agtiisa ah way u tasbiixsadaan habeen iyo dharaarba kana noogin.
  4. Aayaadka Eebbe waxaa kamid ah inaad aragtid dhulkoo dulleysan [abaar ah] markaan kusoo dajinno biyaha uu gilgisho soona kor noqdo, midka nooleeyey wuxuu nooleyn wixii dhintay wax walbana wuu karaa.
  5. Kuwa iilaya aayaadkannaga nagama qarsoona, ruux lagu tuuray Naarta miyaa khayr-roon mise mid isagoo aamin ah imaan Qiyaamada, fala waxaad doontaan, Eebbe waxaad faleysaan waa arkaa.
  6. Kuwa ka gaaloobay Qur’aanka markuu u yimid [waa la abaal-marin] waana Kitaab qaali ah.
  7. Mana timaaddo xumaan hortiisa iyo gadaashiisa, [waa dhawran yahay] waana soo dajinta Eebbaha falka san ee la mahdiyo.
  8. Lagumana dhaho waxaan ahayn wixii lagu yidhi Rasuulladii ka horreeyey, Eebbahaana waa dambi-dhaafe ciqaab daran.

 

Had iyo jeer Shaydaanku wuxuu u darban yahay inuu dadka waswaasiyo Xaqana ka leexiyo waxaase lagaga nabad-gali karaa isagoo Eebbe la magan galo, laguna xidhnaado, illeen waa maqle oge. Eebbe calaamaadka awoodda iyo jiriddiisa waxaa kamid ah abuurkiisa, sida habeenka, maalinta, qorraxda iyo dayaxa, wax sujuud mudan oo Eebbe ahayn ma jiro, ciddii isla-waynaata oo cibaadada diidda waxba Eebbe ugama baahna, waxaa malaa‘igta Eebbe qadasi habeen iyo dharaar si joogta ah oon daal lahayn. ciddii soo-bixin diiddana ha eegto roobka iyo dhulka, ciddiise leexisa Qur’aanka oo ku ciyaarta macnihiisa iyo fasirkiisa iyo si kasta, Eebbe kama qarsoona, wuuna abaal-marin, cid Naar lagu tuurayna lamid ma aha mid ka nabad-gashay Qiyaamada, Kitaabka Qur’aanka ahna waa Kitaab qaali ah oo xumaan ka dheer, ciddii diidda ama ku dhaqmi wayda Eebbaa abaal-marin, gaalana inay hadal xun ku dhahaan Rasuullada caaday u tahay waase laga abaal-marin. Fussilat (36-43)

 

  1. Haddaan ka yeelo [Kitaabka] Qur’aanka Cajami ah waxay dhihi lahaayeen, “Maxaa loo caddayn waayey aayaadkiisa? Ma [Qur’aan] Cajami ah iyo [Nabi] Carabi ah)?” Waxaad dhahdaa, “Isagu kuwa rumeeyey wuxuu u yahay haanuun iyo caafimaad, kuwa aan rumeyninna dhagahooda waxaa ah culays, waana ka indha-la‘ yihiin, kuwaasna waxaa looga yeedhi meel fog.”
  2. Dhab ahaan baan u siinnay [Nabi] Muuse Kitaabka waana laysku khilaafay, haddayan jirin kalimo ka hor-martay Eebbahaa waa lakala xukmin lahaa dhexdooda waxayna ku sugan yihiin gaaladu shaki daran.
  3. Ruuxii camal fiican fala wuxuu u falay naftiisa, ruuxii xumaan fala wuxuu dhibay naftiisa, Eebbaheenna ma aha dulmiyaha addoomada.
  4. Xaggiisaana loo celiyaa ogidda Saacadda [Qiyaame] midhana kama soo baxaan sabuulkooda, mana uuroobo dhaddig mana dhalo ogaanshaha Eebbe la’aantiiis, maalintuu ku dhihi, “Aaway kuwaad ila wadaajiseenna?” waxay dhihi, “Waxaan ku ogaysiinnay naga mid ma aha ruux marag furi arrintaas.”
  5. Waxaa ka dhumey waxay ahaayeen kuwo [baryo] caabuda horey, waxayna yaqiinsadeen inuusan u sugnaan gargaare.

 

Eebbe wuxuu kusoo diraa Nabi walba afka dadka uu ka dhex-bixiyey, Nabigana wuxuu Eebbe kusoo diray af-Carabi, isagoo caalamka dhammaan loo diray. Mana habboona in af kale lagu diro, Qur’aankuna waa wanaagga ciddii rumeysa iyo xujada cidda diidda, oo baadi ku fogaata, qisada Nabi Muusana wax badan baa Qur’aanka lagu soo celceliyaa si loo eego arrintaas, wanaaggu wuu ku anfici, xumaantuna adi uun bey ku dhibi, Eebbana wax ma dulmo, wax walbana waa ogyahay. wixii kasoo hadhay oo la caabudona waa been aan wax ka jirin. Fussilat (44-48)

 

  1. Dadku kama daalo baryada khayrka, hadduu taabto sharra wuu quusasha badan yahay.
  2. Haddaan dhadhansiinno naxariis xagganaga ka timid dhib taabtay kadib, wuxuu dhahaa, “Kan anaa iska leh mana u maleynaayo inay Saacadda [Qiyaame] kici, haddii lay celiyo Eebbahayna waxaan ku leeyahay agtiisa wanaag,” dhab ahaan baan ugu warrameynaa kuwii gaaloobey waxay camal faleen, waxaana dhab ahaan u dhadhansiinaynaa cadaab daran.
  3. Markaan u nicmeyno dadka wuu jeedsadaa oo is-dadbaa [daacadduu ka tagaa] markuu taabto dhibna wuxuu soo baxaa isagoo baryo badan.
  4. Waxaad ku dhahda, “Bal ka warrama hadduu Qur’aankani xagga Eebbe ka yimid markaas aad ka gaaloowdaan, yaa ka baadi badan ruux gaalnimo iyo khilaaf fog ku sugan.”
  5. Waxaanu ka tusin aayaadkannaga jahooyinka iyo naftooda intey uga caddaato inuu Qur’aanku xaq yahay, miyuuna ku filleyn Eebbe inuu wax kaste ogyahay?
  6. Waxayna gaaladu kaga sugan yihiin shaki la-kulanka Eebbe, Eebbana wax kasta wuu koobay.

 

Baryada Eebbe iyo rajeyntiisa yaa sharaf leh oo fiican, mase habboona in waqtiga dhibkana la baryo waqtiga ladnaantana la halmaamo oo la inkiro lana gaaloobo Xaqana laga jeedsado, iyadoo la sheegan in wanaag u jiro Eebbe agtiisa, mase aha saas, maxayse gaalo heli oo wanaag ah hadday beeniyaan Qur’aanka Xaqa ah ee Eebbe xaggiisa ka yimid, yaase ka gaalnimo badan cidda saas fasha, xaqnimada Qur’aankana waxaa laga tusin dadka jahooyinka iyo naftooda, waxaana maalin kasta soo bixi xaqnimada Qur’aanka iyo Islaamka, Eebbaana marag ku filan, ciddii shakida la-kulankiisana way halaagsami illeen Eebbe wax walba wuu koobaye. Fussilat (49-54)

 

Suurat Ash-Shuuraa

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Xaa. Miim. [Waxay ku tusin mucjisada Qur’aanka.]
  2. Cayn. Siin. Qaaf. [Sidoo kale waxay ku tusin mucjisada Qur’aanka.]
  3. Sida waxyiga laguugu soo dajiyey Nabiyow yaa Nabiyadii horana loogu waxyooday, waxaana waxyooda Eebbaha adkaada ee falka san.
  4. Waxaa u sugnaaday waxa samada iyo dhulka ku sugan, Eebbana waa Sarreeyaha Weyn.
  5. Waxay u dhawdahay samooyinku inay ku dildillaacaan korkooda, malaa‘igtuna waxay ku tasbiixsan mahadda Eebbahood, waxayna u dambi-dhaaf warsan kuwa dhulka ku sugan [dadka] Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.
  6. Kuwa yeeshay Eebbe ka sokow awliyo Eebbe waa ogyahay korkooda [wuu daalacay] adiguna kama tihid wakiil.
  7. [Sidaan ugu waxyoonay Nabiyadii hore] yaan adigana Nabiyow kuugu waxyoonay Qur’aan Carabi ah saad ugu digtid reer Makkaad iyo wax ka hareereeya [dadka kale] ugana digtid maalinta kulanka [Qiyaamada] shaki ma leh maalintaas, kooxi Jannay gali kooxna Jaxiimo.
  8. Hadduu doono Eebbe wuxuu ka yeeli lahaa dadka ummad kaliya, laakiin wuxuu galiyaa cidduu doono naxariistiisa, daalimiintuna ma helaan sokeeye iyo gargaare midna.

 

Siduu Eebbe ugu waxyooday Nabiyadii hore yuu ugu waxyooday Nabiga Muxammad ah (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee). Caa‘isha waxay sheegtay inay aragtay Nabiga oo waxyi kusoo dagi maalin qabow oo haddana dhidid ka daadan wajigiisa, tan kale qudro iyo awood Eebbaa iska leh, samada iyo malaa‘igtuna way waynaysaa, Qur’aankuna wuxuu u digi caalamka oo dhan, si uu wanaagga ugu hoggaamiyo, hadduu doono isagaa midayn kara Eebbe. Ash-Shuuraa (1-8)

 

  1. Mise waxay yeesheen gaaladii Eebbe ka sokow awliyo [ay caabudaan] Eebbe un baa wali ah, isagaana nooleeya wixii dhintay, isagaana wax walba kara.
  2. Waxaad isku khilaaftaan oo shay ah Eebbaa leh xukunkiisa [loo celin] kaasina waa Eebbaha i barbaariya, isagaana tala saartaa, xaggiisaana u noqon.
  3. Isagaa abuuray samooyinka iyo dhulka idiinkana yeelay naftiinna noocyo [lab iyo dhaddig] xoolahana idiinka yeelay noocyo, wuuna idin abuuraa wax lamid ahna ma jiro, waana maqle arka.
  4. Isagaa iska leh xukunka samooyinka iyo dhulka, wuuna u fidiyaa rizqiga ruuxuu doono, wuxuuna ku cidhiidhiyaa cidduu doono, wax walbana waa ogyahay.
  5. Wuxuuna idiin jideeyey xagga Diinta wuxuu u dardaarmay [Nabi] Nuux iyo kaan kuu waxyoonnay adiga iyo waxaan u dardaarannay [Nabi] Ibraahiim, [Nabi] Muuse iyo [Nabi] Ciise inay oogaan Diinta aydaan kuna kala tagin dhexdiisa, waxaa ku waynaaday gaalada waxaad ugu yeedhi, Eebbaa u doorta xaggiisa cidduu doono una hanuuniya xaggiisa cidduu hanuunin.
  6. Mana kala tagin markuu u yimid cilmigu kadib mooyee, dulmi iyo xasad dartiis, haddayana jirin kalimo Eebbahaa ka hor-martay oo tan iyo muddo magacaaban [in la sugo] waxaa lakala xukmin lahaa dhexdooda, kuwii la dhaxal-siiyey Kitaabka kadib waxay ku sugan yihiin shaki daran.

 

Eebbaa wali u ah mu‘miniinta, wax walbana kara, wixii laysku khilaafana loo celin, lana tala saartaa, loona noqdaa, samadana abuuray, noocyana idinka abuuray, wax lamid ahna jirin, xukunka samada iyo dhulkana iska leh, rizqigana waasiciya ama cidhiidhiya, inoona jideeyey Diin xaq ah oo ah tii Nabiyadii hore la faray oo kale, oo ah in Diinta si fiican loogu dhaqmo oon lagu kala tagin, gaalase way diidday Xaqii xasad dartiis, wayna kala tageen Eebbe un baase awood leh. Ash-Shuuraa (9-14)

 

  1. Waxaas dartiis ugu yeedh dadka, u-toosnawna sidii lagu faray, hana raacin hawadooda, waxaadna dhahdaa waxaan rumeeyey waxa Eebbe soo dajiyey oo Kitaab ah, waxaana lay faray inaan u caddaalo falo dhexdiinna, Eebbana waa Rabbiganno iyo Rabbigiin, waxaa noo sugnaaday waxaan camal-fallo, idinkana waxaa idiin sugnaaday waxaad camal-fashaan, doodina inama dhex-taallo Eebbaa kulmin dhexdeenna xaggiisaana loo ahaan.
  2. Kuwa ku doodaya Eebbe inta la ajiibay kadib xujadoodu waa baadil Eebbe agtiisa, korkoodana cadhaa ah, waxaana u-sugnaaday cadaab daran.
  3. Eebbe waa kan u dajiyey Kitaabka si xaq ah iyo miisaan [caddaaladda], mana ogid waxay mudan tahay in Saacadda [Qiyaame] dhawdahay.
  4. Waxaa dadajista Saacadda kuwaan rumeynin iyada, kuwa rumeeyayna way ka cabsadaan xaggeeda waxayna ogyihiin inay xaq tahay kuwa ku murmi Saacaddana waxay ku sugan yihiin baadi cad.

 

Aayadda hore waxay kulmisatay toban eray oo mid walba kan kale ka gaar yahay oo wada amar iyo reebid iyo toosin ah, waxaana lamid ah Aayatul Kursi, waxaana kamid ah waxyaalaha u waaweyn: Eebboo dadka loogu yeedho, in la toosnaado, inaan hawada gaalada la raacin, in dadka caddaalad lagu maamulo in la ogaado in Eebbe Ilaah u yahay dadkoo dhan, inaan wax qarsoon jirin Diinta Islaamka ah, in cid walba camalkeeda mas’uul ka tahay, in Eebbe loo noqon. Bal day weynanka aayadda, tan kale Eebboo lagu doodo inta Xaqu caddaaday waa wax-kama-jiraan iyo ciqaab Eebbe, illeen Eebbaa soo dajiyey Qur’aan iyo caddaaladda, Qiyaamadu goortay dhicina oge, waana doqonnimo iyo baadinimo in lasoo dedejisto, waxaase habboon in laga cabsado loona darbado sida mu‘miniinta shakigeeduna waa dood fog. Ash-Shuuraa (15-18)

 

  1. Eebbe waa u naxariis badanaha addoomadiisa wuxuuna arzuqaa cidduu doono, waana xoog badane adkaade ah.
  2. Ruuxii dooni camalka aakhiro waan u siyaadinnaa camalkiisa, ruuxiise ah mid dooni camal adduunyo waan ka siinnaa xaggeeda, kumana leh Aakhiro wax nasiib ah.
  3. Mise waxay leeyihiin gaaladu shurako Eebbe oo u jideeyey diin iyo [xukun] aan Eebbe idmin haddayna jirin kalimadda kala bixinta [Qiyaamada] waa la kala xukumi lahaa dhexdooda, daalimiintana waxaa u sugnaaday cadaab daran.
  4. Waxaad arkeysaa daalimiinta oo ka cabsan waxay kasbadeen, wuuna ku dhici korkooda, kuwa rumeeyey Xaqse oo camal-fiican falay waxay gali beero Janno, waxayna ku leeyihiin waxay doonaan Eebbe agtiisa, taasina waa fadli weyn.

 

Xadiith waxaa ah, “Ugu bishaaree ummaddan sharaf, sarreyn iyo gargaar iyo dhulkoo la makaniyo, ruuxii camal Aakhiro u fala adduunyo darteed Aakhiro kuma laha nasiib, Eebbana waa naxariiste, cid walbana waxay mudan waxay camal-fashay, waxaan diin ahayn oon Eebbe idminna ciddii diin iyo sharci ka dhigata iyo tan ku raacdaba waa cid halaagsantay oo daalim ah, cadaabna u sugnaaday, Qiyaamadana ka cabsan waxay faleen iyo waxa ku dhici, mu‘miniintuna waxay gali beer Janne, waxayna ka heli Eebbe agtiisa waxay doonaan, waana fadhi wayn. Ash-Shuuraa (19-22)

 

  1. Kaasi waa midka ugu bishaareyn Eebbe addoomihiisa ah kuwa rumeeyey [Xaqa] camal fiicanna falay, waxaadna dhahdaa Nabiyow, “Maydin warsanaayo ujuuro Xaqa gaadhsiintiisa oon ahayn jacayl qaraabanimo, ruuxii kasbada wanaagna waxaannu u-siyaadin wanaag, Eebbana waa dambi-dhaafe mahdiyo.”
  2. Mise waxay dhihi, “Wuxuu ku been-abuurtay Eebbe,” hadduu doono Eebbe wuxuu dabooli lahaa qalbigaaga, wuxuuna tiraa Eebbe xumaanta Xaqana wuxuu ku sugaa kalimaddiisa [Qur’aanka] Eebbana waa ogyahay waxa laabta ku sugan.
  3. Eebbana waa kan aqbala tawbada addoomadiisa, kana dhaafa xumaanta ogna waxaad falaysaan.
  4. Ee [Eebbana] wuxuu ajiibaa kuwa rumeeyey Xaqa oo camal fiican falay wuxuuna u siyaadiyaa fadligiisa, gaalana waxaa u-sugnaaday cadaab daran.

 

Eebbe wax badan buu u-bishaareeyey addoomadiisa suubban. Diinta iyo Xaqa gaadhsiintiisuna ma aha wax ujuuro lagu xidho, ciddii wanaag fashana Eebbe waa u-siyaadiyaa, Qur’aankuna waa Xaq Eebbe kasoo dagay, mana aha wax Nabigu is kala yimid siday gaaladu sheegeen, Eebbana waa tawbad aqbale, xumaan astura ah, oo ajiiba maqlana mu‘miniinta. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbe waa uga farax badan yahay tawbada addoonkiisa ruux gaadiidkii uu sahayda ku watay meel cidla ah kaga luntay, markaas seexday markuu ka quustay, kadibna arkay gaadiidkiisii oo ag taagan oo markaas qabtay faruur xidhkeedii.” Waxaa wariyey Muslim. Ash-Shuuraa (23-26)

 

  1. Hadduu Eebbe u-fidiyo [waasiciyo] rizqiga addoomadiisa waxay ku kibri lahaayeen dhulka wuxuuse usoo dajin qadarkuu doono, Eebbana addoomadiisa wuu ogyahay uu arkaa.
  2. Eebbana waa kan soo dajiya roobka intay quustaan kadib fidiyana naxariistiisa, waana Eebbaha waliga ah [gargaare] ee la mahdiyo.
  3. Calaamooyinkiisa waxaa kamid ah abuuridda samooyinka iyo dhulka iyo wuxuu ku fidiyay [ku abuuray] dhexdooda oo socda, Eebbana inuu soo kulmiyo dhammaantood markuu doono wuu karaa.
  4. Wixii idinku dhaca oo musiiba ah [dhib ah] waa waxay kasbadeen gacmihiinnu, wuxuuna idinka cafiyaa [Eebbe] wax badan.
  5. Mana tihidin kuwo Eebbe ku daaliya dhulka dhexdiisaddii mana sugnaanin isaga ka sokoow wali iyo gargaare midna.

 

Dadka dabeecaddiisa waxaa kamid ah in markuu ladan yahay uu kibro islana waynaado marka laga reebo kuwa wanaagsan ee dhab u-rumeeyey Xaqa. Qataadana wuxuu yidhi, “Waxaa la dhihi jiray nolol waxaa u fiican taan kuna shuqlinin kuna kibrinin.” Hasa ahaatee xikmadda Eebbe waxay keentay in cid walba loo arzuqo sida Eebba doono illeen isagaa wax walba oge addoomadiisana yaqaannee. Roobkana Eebbaa keena quusasho kadib, cirka, dhulka iyo waxa ku dhex noolla Eebbaa abuuray, karana inuu soo kulmiyo Qiyaamada markuu doono, wixii dhib ah oo dadka ku dhacana waa waxay isu sababeen ooy kasbadeen, wax badanna Eebbaaba ka cafiya, wax daaliya ama cajis-galiyana ma jiro gargaare aan isaga ahayna ma jiro. Daxaak wuxuu yidhi, “Ma ogin ruux xifdiyey Qur’aanka oo halmaamay dambi mooyee,” wuxuuna yidhi, “Masiibadee ka wayn halmaanka Qur’aanka?” Ash-Shuuraa (27-31)

 

  1. Calaamooyinka Eebbe waxaa kamid ah maraakiibta [socota] badda iyadood mooddo buuro.
  2. Hadduu doono [Eebbe] wuxuu xasiliyaa [joojiyaa] dabaysha markaasay fadhiistaan biyaha korkooda, taasina waxaa ugu sugan calaamo ruux kastoo samir iyo mahad badan.
  3. Hadduu doonana [Eebbe] wuu halaagaa doomaha waxay kasbadeen darteed wax badanna wuu ka cafiyaa.
  4. Waxayna ogaan kuwa ku murmi aayaadkannaga inuusan u sugnaanin meeley magan galaan.
  5. Wixii laydiin siiyo oo wax ah waa uun nolosha dhaw raaxadeeda waxa Eebbe agtiisa ah yaase u khayr badan una hadhid badan kuwa rumeeyey [Xaqa] Eebbehoodna tala saarta.

 

Jiridda Eebbe iyo awooddiisa wuxuu shakin ma aha ruux caqli iyo maskax leh, bal day maraakiibta iyo doomaha iyo say u socdaan mawjadda badda si loogu nafciyo, hadduu doonana Eebbe wuu maansheeyaa oo halaagaa ama dhaqaaqa u diidaa xumaantooda darteed, illeen wuu ogyahay wax walbe, kamana qarsoona kuwa ugu murma aayaadkiisa madax adayg wax gargaare ahna ma helaan markuu ciqaabo, adduunyaduna wax loo lexdo oo loo go‘o ma aha illeen waxa Eebbe agtiisa ah oo wanaag ah iyo tala-saarashadiisa yaa u khayr badan kuwa Xaqa rumeeyey. Ash-Shuuraa (32-36)

 

  1. Kuwaasi waa kuwa ka fogaada dambiga waaweyn iyo xumaanta, markey cadhoodaanna u cafiya [u dhaafa].
  2. Waana kuwa ajiibay [maqlay] Eebbahood oogayna salaadda amarkooduna tashi yahay dhexdooda waxaan ku arzaaqnayna wax ka bixiya.
  3. Waana kuwa marka gardarro [iyo dulmi] ku dhaco gargaarta [iska celiya].
  4. Xumaan abaalkeeduna waa ku abaal-marin mid lamid ah ruuxiise iska-cafiya oo wanaajiya ajrigiisa Eebbaa siin, Eebbana ma jecla daalimiinta.
  5. Ruuxii gargaarta inta la dulmiyey kadib kuwaas korkooda wax ma saarro [jid laguma leh].
  6. Waxaase dhib saaran yahay uun [jid lagu leeyahay] kuwa dulmiya dadka kuna kibra dhulka xaq-darro, kuwaas waxaa u sugnaaday cadaab daran.
  7. Ruuxii samra oo iska cafiya taasi waa arrin loo qasdo [la jecel yahay].

 

Xukunka Muslimiintu waa wada-tashi, is-kaalmeyn iyo is-jacayl, saasayna fari Diinta Islaamku, maxaa yeelay waxay dhab u rumeeyeen Eebbe iyo sharcigiisa, salaaddana way oogeen wayna is-taakuleeyaan xumaantana way ka indho-laabaan, dulmi iyo gardarro iyo weynina agtooda ma taallo, ciddiise dulmida oo ku xad-gudubta way u-jawaabaan, hadday cafiyaanna way fiican tahay, illeen ciddii dulmi badan un baa qalloocan oo jid darane. Nabiguna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Labada is-cayda waa waxay dheheen, midka billaabay (yaa xumaanta leh) hadduusan xad-gudbin kan la dulmiyey.” Waxaa kaloo sugnaatay in Nabigu yidhi, “Saamaxaadda ruuxa wuxuu Eebbe ugu siyaadiyaa sharaf.” Ash-Shuuraa (37-43)

 

  1. Ruuxii Eebbe dhumiyo ma helo sokeeye gadaashiis, waxaadna arkeysaa daalimiintu markey arkaan cadaabka iyagoo leh, “Ma suuroobi karaa waddo [hab] loogu noqdo adduunkii?”
  2. Waxaadna arkeysaa iyagoo loo bandhigi Naarta, oo la khushuucsan dulli, kana dayi wax si qarsoon, waxayna dhaheen kuwii rumeeyey [Xaqa] “Kuwa khasaaray waa kuwa khasaariyey naftooda iyo ehelkooda maalinta Qiyaame, daalimiintuna waxay gali cadaab joogta ah.
  3. Umana sugnaan awliyo [sokeeye] u gargaara Eebbe ka sokow ruux Eebbe qaddaray dhumiddiisana jid uma sugnaanin [uu ku tooso].
  4. Ajiiba [maqla] Eebbihiin ka hor imaatin maalin aan laga celin karin Eebbe, idiinmana sugnaanayo wax la magangalo maalintaas, idiinmana sugna gargaare.
  5. Hadday jeedsadaan kuuma aanaan dirin inaad ilaaliso korkooda, korkaaga ma aha waxaan gaadhsiin ahayn, markaan dhadhansiinno dadkana naxariis way farxaan [si kibir ah], hadday ku dhacdo xumaan waxay gacmahoodu hor-marsadeen darteed dadkii aad buu u gaaloobaa.

 

Awoodda Eebbaa leh ciddii hanuun ka doontana wuu toosiyaa, kii dhumana wuu halaagi, daalimiintuna waxay la kulmi Qiyaamada dulli iyo cadaab daran, iyo khasaare dhab ah, gargaarna ma helaan Eebbe kasoo hadhay, waase in Eebbe la maqlo Qiyaame ka hor, illeen wax celin iyo gargaare midna ma jiree, Nabiga waxaa uun saaran gaadhsiin, mase aha ilaaliye iyo qasbe, had iyo jeerna khayr iyo sharba waa in Eebbe la aqoonsado, loona hoggaansamo. Ash-Shuuraa (44-48)

 

  1. Eebbaa iska leh xukunka samooyinka iyo dhulka, wuxuuna abuuraa wuxuu doono, wuxuu siiyaa cidduu doono gabdho, cidna wuxuu siiyaa wiilal.
  2. Ama wuu isku lammaaneeyaa wiilal iyo gabdho, ruuxuu doonana wuxuu ka yeelaa ma-dhaleys, Eebbaana wax og, karana.
  3. Uma suurawdo dad inuu Eebbe la hadlo waxyi mooyee, ama kala hadlo xijaab gadaashiis, ama uu usoo diro farriin [malag], oo markaas ugu waxyooda idanka Eebbe wuxuu doono, Eebbana waa Sarreeye falsan.
  4. Saasaannu kuugu waxyoonnay nolol amarkannaga ah [Qur’aanka] maadan aqoonin Kitaab wuxuu yahay iyo iimaan midna, laakiin waxaan ka yeellay Nuur aannu ku hanuuninno ciddaan doonno oo addoomadannada kamid ah, adiguna [Nabiyow] waxaad ku hanuunin Jidka Toosan.
  5. Jidka Eebbaha iska leh xukunka waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan xagga Eebbeyna u ahaan umuuruhu.

 

Awoodda cirka iyo dhulka Eebbaa iska leh, sida aayado badan sheegeen, wuxuu rabo yuuna abuuraa, labada ruux ee is-qabtana hadduu doono gabdhuu ka beeraa ama wiilal, ama labadaba, hadduu doonana ma-dhalays buu ka dhigaa, taasina waxay muujin inayan labada is-qabta midna mas’uul ka ahayn gabadh ahaanshaha ilmaha ama wiil noqoshadiisa. Eebbana wax walba waa ogyahay waana karaa, isagaana og maslaxada iyo ilmaha uu rabo inuu adduunka usoo bixiyo, Nabiyadiina isagaa u waxyooday siduu Nabiga Muxamed ah (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ugu waxyooday nolol uusan aqoonin hadda ka hor, Eebbaase ku hanuuniya addoomadiisa Jidka Toosan cidduu doono, illeen isagaa wax walba hantiya xaggiisana loo celin umuuraha. Ash-Shuuraa (49-53)

 

Suurat az-Zukhruf

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Xaa. Miim. [Mucjisada Qur’aankay ku tusin.]
  2. Waxaan ku dhaartay Kitaabka [Qur’aanka] cad [muuqda] ee.
  3. Annagaa ka yeelley Qur’aan Carabi kusoo dagay, inaad kastaan darteed.
  4. Wuxuuna ku sugan yahay Kitaabka asalkiisa [Lawxul Maxfuudka] agtiisa, waana sarreeyaa Qur’aanku falna sanyahay.
  5. Ma waxaan Qur’aanka idiinka haysanaynaa [daysanaynaa] inaad tihiin qawm ku xad-gudbay xumaanta?
  6. Badanaa intaan u diray Nabi kuwii hore.
  7. Nabi uma yimaado [gaaladii] haddii kale way ku jeesjeesi jireen.
  8. Waxaana halaagnay kuwo ka xoog badan qabasho waxaana tagay [hor maray] tusaalihii kuwii horreeyey [ee halaagga ahaa].

 

Qur’aanka Eebbaa soo dajiyey isagoo Carabi ah, sharafna leh Lawxul Maxfuudkana ku qoran, Eebbena uma daayo waxyiga iyo Xaqa beenin darteed, maxaa yeelay ummadihii horaba wax badan baa loo diray Nabiyo u diga ayna ku jeesjeesi jireen, Eebbana wax badan oo kamid ah yuu halaagay kuwaasoo ka xoog badnaa gaaladii reer Makkaad. Qataade wuxuu yidhi, “Eebbaan ku dhaartee haddii la kor yeelo Qur’aankan markey diideen kuwii horreeyey ee ummaddan way halaagsami lahaayeen, hase yeeshee Eebbe Sarreeye wuu ku celceliyey wuuna u naxariistay, wuxuuna ugu yeedhay ilaa labaatan sano iyo intii Eebbe doono.” Az- Zukhruf (1-8)

 

  1. Haddaad warsato [gaalada] yaa abuuray samooyinka iyo dhulka waxay odhan waxaa abuuray Eebbaha adkaada ee wax walba og.
  2. Waana Eebbaha idiinka yeeley dhulka gogol idiinkana yeeley dhexdiisa waddooyin si aad ugu hanuuntaan [toostaan].
  3. Waana Eebbaha kasoo dajiyey samada biyo qadaran oon ku noolayno magaalo dhimatay, saasaana leydiin soo bixin.
  4. Waana Eebbaha abuuray noocyada dhammaantood idiinkana yeelay maraakiibta iyo xoolaha waxaad kortaan.
  5. Inaad ku ekaataan dhabarkeeda markaas aad xusuusataan nicmada Eebbihiin markaad ku ekaataan ood dhahdaan, “Waxaa nazahan Eebbaha noo sahlay tan, mana nihin kuwo kara leyligeeda.”
  6. |Anaguna xagga Eebbahanno yaannu u gaddoomeynaa.”

 

Ciddii caqli leh oon dan gaara lahayn waxay qiri jiridda iyo awoodda Eebbe, illeen isagaa abuuray cirka, dhulka iyo wax kastaba. Gaaladii reer Makkaadna saasay qirsanaayeen in kastooy caabudi jireen Eebbe wax kasoo hadhay, waxaase caabudid dhab ah mudan Eebbaha dhulka goglay, waddooyinkana ka bixiyay, cirkana biyo ka keenay, iyagoo qadaran oo qiyaasan si loogu nooleeyo dhul abaaroobay iyo wax dhibaataysan. Waana Eebbaha sahlay maraakiibta iyo xoolaha si loogu nafciyo loona mahdiyo Eebbe, illeen isagaa u leylyey dadkee. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) markuu koro gaadiid wuxuu ku mahdin jiray Eebbaha u jilciyey ee loo noqon xaggiisa. Az-Zukhruf (9-14)

 

  1. Waxay uga yeeleen Eebbe addoomadiisa qayb, dadkuna waa gaalow badane cad.
  2. Miyuu ka yeeshay Eebbe wuxuu abuuray qaarkood gabdho, oo idiin doorey wiilal?
  3. Marka loogu bishaareeyo midkood wuxuu Eebbaha Raxmaana uga yeeley tusaale, wuxuu noqdaa wajigiisu mid madow oo walbahaarsan.
  4. Ma Eebbey u yeeleen wax ku barbaara is-qurxin, oon doodna caddayn karin?
  5. Waxay ka yeeleen malaa‘igta ah addoomada Eebbaha Raxmaan ah dhaddig, miyey joogeen abuurkoodii? Waan qoreynaa maragooda waana la warsan [waxaas].
  6. Waxay dheheen, “Hadduu doono Eebbaha Raxmaan ah maanaan caabudneen wax kale,” ugumana sugnaanin wax cilmi ah arrintaas, waxaan been-sheegayaal ahayna ma aha.

 

Khalqiga dhammaantiis Eebbaa leh, wax la wadaagana ma jiro, malaa‘igtuna ma aha gabdho Eebbe iyo dhaddig midna ee waa addoomo Eebbe oo wanaagsan, gaaladuna waxay sheegi waa uun been cad iyo xumaan, waxayna sameeyeen gafaf badan, sida inay Eebbe ilmo u sheegeen, inay malaa‘igta gabdho Eebbe ku sheegeen, inay caabudaan waxaan xujo laheyn, inay sheegteen in Eebbe u qaddaray, iyo waxyaale kale oo jaahilnimo ah. Az-Zukhruf (15-20)

 

  1. Mise waxaan siinnay kitaab ka horreyey [Qur’aanka] oy haystaan isagaas?
  2. Waxaybase dhaheen, “Waxaan hellay aabbayowganoo jid ku socda anaguna iyaga raadkoodii yaan ku hanuunsannahay.”
  3. Waa saasoo kale umaanaan dirin magaalo hortaa u-dige haddii kale waxay dhihi jireen kuwa raaxaystay, “Annagu waxaan hellay aabbayowganoo jid ku sugan annaguna raadkooda yaan ku dayanaynaa.”
  4. Waxaad dhahdaa, “[Ma waxaad raacaysaan waxaas] haddaan idiinla imaado wax ka hanuunsan waxaad ka hesheen aabbayaalkiin [oo ku sugan]?” waxay dhihi, “Annagu waxa laydiin kusoo diray waannu ka gaalownay.”
  5. Markaasaan ka aarsannay, bal day siday noqotay cidhibtii beeniyayaasha [Xaqa].

 

Gaaladu wax xujo ah iyo wax Kitaab ah uma haystaan Xaqa beenintiisa, ee waxaa jira inay aabbayaalkood oo wax ku sugnaa iyana ay ku raaceen. Waa caadada gaalada arrintaasu ayna iska dhaxlaan. Waa mid habboon inaad aabbahaa iyo ciddii fiicanba wanaagga ku raacdid, laakiin ma habboona in cidna xumaanta lagu raaco, ee waa in wanaagga uun la fiirsado lana raaco, haddii kale aargudashada Eebbe yaa daran, Xaqa uun ku faan laakiin aabbe haku faanin. Az-Zukhruf (21-25)

 

  1. Xusa markuu ku yidhi [Nabi] Ibraahiim aabbihiis iyo qawmkiisii, “Anigu waxaan bari ka ahay waxaad caabudaysaan.”
  2. “Waxaanse caabudi Eebbaha i abuuray isagaana i hanuunin.”
  3. Wuxuuna ka yeelay Kalimadda [Tawxiidka] tii ku baaqi ah faraca [Ibraahiim] si ay Xaqa ugu noqdaan.
  4. Saas ma aha ee waan u raaxeeyey kuwaas iyo aabbayaalkood intuu uga yimaado Xaqu iyo Rasuul cad [oo muuqda].
  5. Markuu u yimid Xaqii waxay dheheen, “Kan waa sixir annaguna waannu ka gaalownay.”
  6. Waxay dhaheen gaaladii, “Maxaa loogu dajin waayey Qur’aankan mid kamid ah labada magaalo ee weyn?”
  7. Ma iyagaa qaybin naxariista Eebbahaa? Annagaa u qaybinna dhexdeeda rizqigooda nolosha adduunyo waana ka kor-yeelay qaarkood qaarka kale darajooyin, si leysugu shaqeeyo, naxariista Eebbahaa yaa ka khayr badan waxay kulmin.

 

Gaal iyo mu’min xidhiidh kama dhaxeeyo, sidii Nabi Ibraahiim iyo aabbihiis iyo qawmkiisii. Mana habboona in nicmada Eebbe lagu kibro, ama khayrkiisa la doono in lagu tasarrufo. Eebbaa wax bixiya, rizqiga iyo wanaaggana qaybiya, cidduu rabana siiya. Az-Zukhruf (26-32)

 

  1. Hadduusan dadku noqoneyn ummad kaliya [gaalimada] waxaan uga yeeli lahayn kuwa ka gaalooba Eebbe guryahooda saanqaaf fiddo ah iyo sallaano fidda ah oy ku koraan.
  2. Guryahoodana waxaan uga yeeli lahayn albaabyo iyo sariiro ay ku dangiigsadaan oo fidda ah.
  3. Iyo dahab, waxaas dhammaantiisana waxaan raaxada nolosha dhaw ahayn ma aha, Aakhiraase u ah Eebbe agtiisa kuwa dhawrsada.
  4. Ruuxii ka jeedsada [arag-beela] xuska Eebbahaa Raxmaan ah [Qur’aanka] waxaannu la xidhiidhinnaa Shaydaan oo saaxiib u noqon.
  5. Shayaadiintuna waxay ka leexin Jidka [Xaqa] waxayna isu maleyn inay hanuunsan [toosan] yihiin.
  6. Markuu noo yimaado [gaalku Qiyaamada] wuxuu ku dhahaa [Shaydaanku], “Shaleytee mey dhexdeenna ahaato [wax lamid ah] fogaanshaha qorrax-kasoo-bax iyo u-dhaca, adaana u xun saaxiib.”

 

Xadiith waxaa ku sugnaaday, “Hadday adduunyadu u miisaamanto Eebbe agtiisa garab kaneeco kama waraabiyeen gaal kabbo biyo ah waligeed.” Waxaa wariyey Tirmidi. Ujeeddaduna ma aha inaan la shaqeysan, shaqada xalaasha ah waa waajib, mase habboona in adduunyo uun loo go‘o, oo si waalli ah loo dabo ordo, sidaad aragtid ayaamahan. Waxaase jirta Aakhiro oo kahyr ku dhan yahay, ciddii ka indha-beesha Qur’aanka iyo Xaqana waxaa lagu diri Shaydaan una noqon saaxiib kana leexin Xaqa, isagoo u-maleyn inuu toosan yahay markeyse Qiyaamada tagaan wuu calaacali gaalku, wuxuuna ku sheegi Shaydaanka inuu yahay saaxiib kan ugu xun. Az-Zukhruf (33-38)

 

  1. Wax idiinma tarayso Maanta haddaad dulmi fasheen inaad cadaab wadaagtaan [ku kulantaan].
  2. Ma adaa wax maqashiin kara wax-ma-maqle, ma adaase hanuunin kara [toosin kara] wax-ma-arke iyo cid ku sugan baadi cad?
  3. Haddaan kula tagno [ku oofsanno] adiga, annaga uun baa ka aarsan gaalada.
  4. Haddaan ku tusinno waxaan u yaboohnayoo cadaab ah, waanu karraa korkooda.
  5. Ee qabso waxa laguu waxyooday Nabiyow waxaad ku sugan tahay Jid Toosan.
  6. Qur’aankuna sharaf buu u yahay adiga iyo qawmkaagaba, waana leydin warsan doonaa.
  7. Warso kuwaan dirray ee kaa horreeyey oo Rasuuladannada kamid ahaa inaan yeellay Eebbaha Raxmaana ka-sokow ilaahyaal la caabudo.

 

Cid dhuntay oo dulmiila ah ciduna ma toosin karto, sidaan ruux dhaga-la’na wax loo maqashiin karin, mid indho-la’na wax loo tusin karin, Eebbana wuxuu ballan-qaaday inuu ka aarsado gaaladii Nabiga beenisay ee dhibtay, waxaase waajib ah in Qur’aanka si dhab ah loo qabsado, illeen sharafta iyo cizziga Muslimiinta yaa iska lehe. Waana la warsan doonaa, waxa Eebbe kasoo hadhay oo la caabudana ma jiro. Az-Zukhruf (39-45)

 

  1. Dhab ahaan yaan ugu dirray [Nabi] Muuse isagoo wata aayaadkannaga xagga Fircoon iyo jamaacadiisa, wuxuu yidhi, “Anigu waxaan ahay Rasuulkii Eebbaha caalamka.”
  2. Markuu ula yimid aayaadkannaga waxay noqdeen kuwo ku qosla.
  3. Ma tusinno aayad haddii kale wey ka weyn tahay walaasheed [tan kale] waxaana ku qabannay cadaab inay noqdaan darteed.
  4. Waxay dheheen, “Kan saaxirka [caalimka] ahaw [Muuse], noo bari Eebbahaa wuxuu kugula ballantamay annagu waan hanuuneynaaye.”
  5. Markaan ka faydnay xaggooda cadaabkii waxay soo bexeen kuwo buriya [ballankii].

 

Qisada Nabi Muuse iyo Nabiyada kale qaarkoodba wax badan bay kusoo aroortay Qur’aanka, waxaase muhiim ah in lagu waano-qaato lagana fogaado falalka xunxun, Xaqa ku jeesjeeska iyo ballan-burintana layska jiro. Waxaana habboon in la toosnaado inta la dhumi ama xumaan la fali. Eebbe hanna waafajiyo wanaagga. Az-Zukhruf (46-50)

 

  1. Wuu u dhawaaqay Fircoon qawmkiisii, wuxuu yidhi, “Miyuusan ii sugnaan xukunka Masar, iyo wabiyadan socota hoostayda, miyeydaan wax arkaynin?”
  2. “Saw annagu kama khayr roonin kan dulleysan een karayn wax-caddayn [Nabi Muuse]?
  3. “Maxaa loogu soo tuuri waayey jijimooyin dahab ah, ama maxay ula imaan wayday malaa‘ig is-raacraacsan?”
  4. Wuxuu fudaydsaday [Fircoon] qawmkiisii, wayna adeeceen waxayna ahaayeen qawm faasiqiin ah.
  5. Markey na cadha-galiyeenna waan ka aarsanay xaggooda, waana maanshaynay dhammaan.
  6. Waxaan ka yeelley waano iyo tusaale dadka dambe.

 

Fircoonkii Masar aad buu u inkiray, Xaqana u diiday, sida wax badan Qur’aanku ka warramay, waxaase dhab ah inaan ku-jeesjeeska samo-falayaasha iyo wanaag u-yeedhayaasha wax wanaag ah lagala kulmeynin ee khasaare iyo halaag uun lagala kulmi. Tan kale qiimuhu ma aha in xoolo iyo dahab uun lagu siiyo, siduu mooday Fircoon iyo waxa la midka ahna la noqonin. Waana inaan xumaanta laysku raacin, haddii kale waxaa la noqon dad xun oo dulleysan, mutana ciqaabta Eebbe iyo inay u noqdaan tusaale kuwa kale. Az-Zukhruf (51-56)

 

  1. Markaan uga yeellay ina-Maryama [Ciise] tusaale, markaasay qawmkaagu [Nabiyow] ka jeedsadaan.
  2. Waxayna dheheen, “Ma ilaahyadannaa khayr roon mise isaga?” Mayna kuugu qadarin tusaale muran mooyee, waana qawm dood badan.
  3. Wax kale ma aha Ciise ee waa uun addoon aan u nicmaynay ugana yeellay tusaale reee Banii Israa‘iil.
  4. Haddaan doonno waxaan idiinka yeeli lahayn malaa‘ig baddalkiina dhulka u hadha.
  5. [Nabi] Ciisana waa calaamadda Saacadda [Qiyaame] ee ha shakiyina, ina raaca kaasaa ah Jidka Toosane.
  6. Yuuna idinka leexinin Shaydaan [Jidka] wuxuu idiin yahay col cad ee.

 

Nabi Ciise waa Nabi ay rumaysan yihiin Muslimiintu xaqnimadiisa sida Nabiyada kaleba dhammaantood (Eebbe nabadgalyo korkooda ha yeelee). Waana mucjisooyinka Eebbe iyo calaamadda saacadda Qiyaame, hase yeeshee muran iyo Shaydaan-adeecid waxaan halaag ahayn ma tarto. Jidka Toosanse waa in la raaco Xaqa uu usoo dhiibay Eebbe Nabiga Muxamed ah (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee). Abii Umaamo waxaa laga wariyey in Rasuulkii Eebbe kusoo baxay dad ku murmi Qur’aanka oo uu u cadhooday si daran wajigiisuna casaaday, markaas yidhi, “Haku garaacina Kitaabka Eebbe qaarkiis qaarka kale, ciddii dhumaysana waxaa la siiyaa muran un.” Az-Zukhruf (57-62)

 

  1. Markuu ula yimid Ciise xujooyin wuxuu ku yidhi, “Waxaan idiin la imid xikmad iyo inaan idiin caddeeyo waxaad isku diidan tihiin qaarkiis ee ka dhawrsada Eebbe ina adeeca.”
  2. “Eebbe isagaa ah Eebbahay iyo Eebbihiinba ee caabuda taasaa ah Jidka Toosane.”
  3. Wayse is-khilaafeen xizbiyadii dhexdooda halaagna wuxuu u sugnaaday kuwii dulmi falay cadaab maalin daran xaggeed.
  4. Miyey sugi [gaaladaasi] waxaan Saacadda [Qiyaame] ahayn inay ugu timaaddo si kado ah iyagoon ogayn?

 

Nabi Ciise markii Eebbe kusoo dajiyey Kitaabka Injiil ah siiyayna xujooyin cad yey beeniyeen gaaladii isna khilaafeen. Waxaana u sugnaaday gaaladaas cadaab daran, wax uga gargaarina ma jiro, ee ha sugeen Qiyaamada kadada ugu imaan iyagoon ogayn. Az-Zukhruf (63-66)

 

  1. Saaxiibbadu maalinta Qiyaame qaarkood qaarka [kale] waa u col, kuwa dhawrsaday mooyee [mu’miniinta].
  2. [Waxaana loo odhon], “Addoomadaydow, korkiinna cabsi ma aha Maanta mana murugoonaysaan.”
  3. Waana kuwa rumeeyey aayaadkannaga oo ahaa Muslimiinta.
  4. [Waxaana lagu dhihi], “Gala Jannada idinkiyo haweenkiinna [iyo kuwa idin la midka ah] idinkoo laydiin nicmeeyey [laydin kana farxin].”
  5. Waxaana lala kor socon weelal [saxamo] dahab ah iyo koobab, waxayna ka heli [Jannada] dhexdeeda waxay doonto naftu kuna raaxaystaan indhuhu idinkoo dhexdeeda ku waari.
  6. Taasina waa Jannadii aad ku dhaxasheen waxaad camal-falayseen.
  7. Waxaadna ku leedihiin dhexdeeda faakiho badan ood xaggeeda wax ka cuntaan.

 

Saaxiibnimadu waxay qiima leedahay markey ku dhisan tahay Islaamnimo, wanaag is-farid, xumaan iska-reebid iyo dar Eebbe, taasaana wax anfacda adduun iyo Aakhiraba, marse hadday tahay xumaan ku-saaxiib iyo adduunyo darteed waa khasaare labada daaroobda, iyo kala-carar markay dhibaato timaaddo. Addoomada Eebbe ee wanaagsanna waxay mudan khayr Janno, wax badanna wuxuu Qur’aanku ka warramay wanaagga Jannada loo darbey, iyagoo ku waari iyaga iyo ehelkoodii wanaagsanaa. Rasuulkuna wuxuu yidhi, “Hadday labo nin isu jeclaadaan dar Eebbe oo midkood bari jiro midna galbeed wuu kulmin dhexdooda maalinta Qiyaame isagoo dhihi, ‘Waakan kaad u-jeclaatay dartay.’” Ibnu Cabbaas iyo Mujaahidna waxay dhaheen, “Waxay noqon saaxiibnimo kasta maalinta Qiyaame col kuwa dhawrsada mooyee.” Az-Zukhruf (67-73)

 

  1. Dambiilayaashu waxay gali cadaabka Jahannamo iyagoo ku waari.
  2. Lagamana fudaydiyo dhexdiiseyna ku quustaan [aamusaanna].
  3. Ma aanaan dulmiyin hasa yeeshee iyagaa dulmiilayaal ahaa.
  4. Waxayna u dhawaaqi Maalik [malagga Naarta] iyagoo dhihi, “Eebbahaa hana dilo,” markaasuu dhahaa, “Idinku waad ku waaraysaan [Naarta].”
  5. Dhab ahaan baan idiin la nimid Xaq hasa yeeshee badankiin Xaquu nacay.
  6. Ma wax bayse gooyeen gaaladu oo amar ah [dhibka Nabiga]? Annaguna wax baan goynaynaa [ciqaabtooda].
  7. Mise waxay u-maleeyeen inaanaan maqlayn qarsoodigooda iyo muujintoodaba? Saas ma ah ee malaa‘igtannadaa agtooda wax ku qoro.

 

Eebbe wuxuu ka abaal marin cid kastaa waxay kasbatay, dambiilayaashana wuxuu galin Naar joogta ah ooy ku dhex quusan, mana uusan dulmiyin ee iyagaa is-dulmiyey, waxna uma tarto geeri la doono iyo calaacal mar hadday Xaqii diideen Naarna lagu xukumay, dhagar iyo khayaamana wax ma tarto ee waxay dhibtaa saaxiibkeed, illeen Eebbe waa wax walba oge, malaa‘igtiisuna waxay qortaa wax kastee. Mujaahid wuxuu yidhi, “Waxay dooneen gaaladii dhagar shar markaasaa Eebbe ku abaal-mariyey.” Az- Zukhruf (74-80)

 

  1. Waxaad dhahdaa [Nabiyow], “Haddii Eebbaha Raxmaan ah u-sugnaado ilmo anaa u hor caabudi lahaa.”
  2. Waxaa ka nazahan Eebbaha samooyinka iyo dhulka ee Eebbaha Carshiga ah waxay ku tilmaamaan.
  3. Ee ka tag ha dhunbadeen [xumaanta] hana ciyaareen intay kala kulmaan maalintoodii loo yaboohaye.
  4. Eebbe waa Macbuudka samada iyo Macbuudka dhulka, waana falsame wax og.
  5. Waxaana barako badnaaday [sarreeyeyna] Eebbaha iska leh xukunka samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya, agtiisaana ah ogaanshaha Saacadda [Qiyaame] xaggiisaana laydiin celin.
  6. Mana hantaan kuway caabudeen Eebbe ka sokow wax shafeeca ah hasa yeeshee ciddii Xaqa qirta iyagoo og [wax bay u-shafeeci idanka Eebbe kadib].
  7. Haddaad warsato gaalada yaa abuuray waxay dhihi Eebbe ee xaggee loo iili?
  8. [Nabiguna] wuxuu yidhi, “Eebbow, kuwani waa qawm aan rumaynayn [Xaqa].”
  9. Iska saamax waxaadna dhahdaa “Nabadgalyo,” way ogaan doonaan [waxa ku dhacee].

 

Eebbe Sarreeye ilmo ma leh, illeen uma baahnee, waana ka fog yahay ceeb iyo xumaan oo dhan, waana Ilaaha Xaqa ah ee cirka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeyaba, xukunkoodana isagaa iska leh ogna waqtiga Qiyaamada, xaggiisaana loo noqon, wax shafeeca hanta oo Eebbe kasoo hadhayna ma jiro, cid Xaqa raacda oo Eebbe idmo mooyee. Gaaladuna waa qirsan yihiin in Eebbe abuuray ee waxay u diidi isla-wayni, doqonnimo iyo inay xumaanta iska dabaashaan xisaab la‘aan ee ha sugeen tan iyo abaal-marinta. Sudi wuxuu yidhi, “Macnuhu waxaa weeye hadduu Eebbe ilmo leeyahay anaa u hor rumeyn lahaa inuu ilmo leeyahay, hasa yeeshee ilmo ma leh.” Az-Zukhruf (81-89)

 

Suurat ad-Dukhaan

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Xaa. Miim. [Waannu sheegnay iyadoo kale.]
  2. [Waxaan ku dhaartay] Kitaabka cad ee [Qur’aanka].
  3. Annagaa dejinnay [Qur’aanka] habeen barakeysan [Laylatul Qadr] anagaana wax u digi.
  4. Habeenkaasaana la kala bixiyaa amar kastoo xikmo leh.
  5. Waana amar agtannada ka ahaaday, anagaana wax dirra [Rasuulo].
  6. Naxariis ka ahaatey xagga Eebbahaa, Eebbaana wax maqle ah wax og.
  7. Waana Eebbaha samooyiinka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya haddaad yaqiinsanaysaan.
  8. Ilaahay mooyee Eebbe kalana ma jiro, isagaa wax nooleeya waxna dila, waana Eebbihiina iyo Eebbaha aabbayaalkiinii horreeyey.

 

Eebbe Sarreeye wuxuu ku dhaartay inuu soo dajiyay Kitaabka Qur’aanka ah habeen barakeysan oo wax kasta la kala bixiyo, waana habeenka Laylatul Qadarka ee bisha Soon ku jirta ee Qur’aanka lasoo dajiyey siday aayado kale caddeeyeen, saasaana sugan cidda tidhi waa shan-iyo-tobanka bisha Shacbaan wax xujo ah oo cad ma hayso. Eebbana waa naxariiste, maqle, oge oo xukunka caalamka iska leh, wax nooleeya waxna dila, waana Eebbaha khalqiga dhammaan hor iyo dibba, ee waa in laga yaabo Eebbe si dhab ah. Ad-Dukhaan (1-8)

 

  1. Waxayse ku sugan yihiin shaki wayna ciyaari.
  2. Ee sug maalinta uu ku imaan cirku qiiq muuqda [isagoo ku dheehan].
  3. Oo dabooli dadka kaasina waa cadaab daran.
  4. Waxayna dheheen, “Eebbow naga fayd cadaabka waxaan nahay mu‘miniine.”
  5. Goormey waantoobi isagoos u yimid Rasuul cad [muuqda].
  6. Markaasay ka jeedsadeen [Nabiga] waxayna dheheen, “Waa wax-la-bare waalan.”
  7. Annagu waxaan idiinka faydaynaa cadaabka wax yar idinkuna waxaad ku noqonaysaan xumaanta.
  8. Maalintaan qabanayno qabashada wayn [Qiyaamada ama Badar] waanu aarsan.

 

Nabigu wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Eebbihiin wuxuu idiinka digay saddex: Qiiq u qabta mu‘minka sida hargab gaalkana qabta intuu meel walba ka baxo, iyo daabad iyo Dajjaal.” Waxaa wariyey Ibnu Jariir iyo Dabaraani. Madax-adayg iyo gaalimana wax ma taraan illeen Eebbaa ka aarsan gaalo iyo Xaq-diidayaasha ku tilmaami Nabigu inuu waalan yahay, kuwaasi wax yar ha sugeen. Ad-Dukhaan (9-16)

 

  1. Dhab ahaan baan imtixaanay hortood qawmkii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh.
  2. Isagoo dhihi, “Ii dhiiba addoommada Eebbe [ama maqalka] waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah.”
  3. “Hana iska-wayneynina Eebbe, waxaan idiin la imid xujo cad ee.”
  4. “Waxaana ka magan-galay Eebbahay iyo Eebbihiin inaad i dhagaxyeysaan.”
  5. “Ee haddaydaan i rumeyn iga fogaada [i daaya].”
  6. Wuxuuna u qayliyey Eebbihiis in kuwaasu yihiin qawm dambiilayaal ah.
  7. Guuri addoommadayda habeennimo, waa laydin raaciye.
  8. Kana tag badda iyadoo xasilloon oo furan iyagu waa col la maanshayne.

 

Wax badan yuu Qur’aanku ka warramay Fircoon iyo qawmkiisii iyo Nabi Muuse, iyo wixii isku qabsaday, waxay ku dambaysay oo ah Xaqii oo kor maray, iyo gaaladii oo la halaagay, waxaase loo baahan yahay uun in lagu waano qaato, lagana leexdo jidka gaalada. Ad-Dukhaan (17-24)

 

  1. Imisey ka tageen beero iyo ilo?
  2. Iyo tallaal iyo meel sharaf leh.
  3. Iyo nicmooyin ay ku raaxaysanayeen.
  4. Xaalkuna waa saas, waxaana dhaxalsiinnay qawm kale.
  5. Uma ooyin samada iyo dhulku korkooda, lamana sugin.
  6. Waana ka korinay reer Banii Israa‘iil cadaab wax dulleeya.
  7. [Fircoon baan ka korinay] wuxuuna ahaa isla-weyne xad-gudbayaasha kamid ah.
  8. Waxaana ka dooranay [dadkii waqtigoodii] annagoo og.
  9. Waxaana siinnay aayado imtixaan cad ku sugan yahay.

 

Raaxo aduunyo iyo ku-nicmeysigeedu wax ma tarto hadday ciqaab iyo halaag ka dambeyni, taasoo ah nicmadoo laga wareejiyo iyo cidhib xun sidii Fircoon iyo qawmkiisii lagu falay cir iyo dhul midna ma xusuusan umana ooyin, nicmadana waxaa lagu dhawraa mahad Eebbe iyo toosnaan. Mujaahid iyo Sufyaan waxaa laga wariyay in cirka iyo dhulku u ooyi mu‘minka afartan maalmood (markuu dhinto). Ad-Dukhaan (25-33)

 

  1. Kuwaasi [gaaladu] waxay dhihi.
  2. “Arrintu ma aha geerida hore mooyee, mana nihin kuwo lasoo bixin.”
  3. “Noo keena aabbayowgano haddaad run sheegaysaan.”
  4. Ma iyagaa khayr roon mise qawmkii Tubbac iyo kuwii ka horreeyey? Waan halaagnay waxayna ahaayeen dambiilayaal.
  5. Samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya umaanaan abuurin ciyaar.
  6. Mana aanaan u abuurin wax aan xaq ahayn hasa yeeshee badankood ma oga.
  7. Maalinta kala-bixinta yaa ballan u ah dhammaan.
  8. Waana maalintaan qaraabanimo waxba laysugu tarayn laysuna gargaarayn.
  9. Cid Eebbe u naxariisto mooyee, illeen waa adkaade naxariistee.

 

Cid diidda oo isla-wayn iyo cid kalaba Eebbe wuu dili wuuna soo nooleyn, dhabtuna waa saas, Eebbana wuxuu u abuuray cirka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeyaba xaq iyo in lays abaal-mariyo, arrintana maalintaas Eebbaa iska leh, wax isu gargaari ama wax isu tarina ma jiro, cid Eebbe u naxariisto mooyee. Waana arrin ay waajib tahay in aad loo eego looguna darbado. Ad-Dukhaan (34-42)

 

  1. Geedka Zaquumka ah.
  2. Waa cunnada dambi-badanaha.
  3. Waana laami oo kale kuna kari caloosha.
  4. Sida xamiimka [kulayl daran] oo kale.
  5. [Waxaana lagu dhihi], “Qabta gaalka una jiida Jaxiimo dhexdeeda.”
  6. Markaas ku shuba madaxiisa korkiisa cadaab kulul.
  7. [Waxaana lagu dhihi], “Dhadhami [cadaabka] waxaad tahay adkaade Sharaf lehe.”
  8. Kaasina waa kaad ahaydeen kuwo shakiya [cadaabka].
  9. Kuwa dhawrsadana waxay ku sugnaan meel aamin ah.
  10. Jannooyin iyo ilo [yey ku sugnaan].
  11. Waxayna xidhan xariir jilicsan iyo mid adag [oo dhalaali] wayna is-qaabili.
  12. Saasoo kale waxaa u sugnaaday haween indho waaweyn.
  13. Waxayna u yeedhan Jannada dhexdeeda khudaar kasta iyagoo aamin ah.
  14. Mana ku dhadhamiyaan Jannada dhexdeeda geeri, geeridii hore mooye, wuxuuna ka dhawray [Eebbe] cadaabka Jaxiimo.
  15. Waana fadliga Eebbahaa, taasina waa liibaanta wayn.
  16. Waxaan ugu fududaynay Qur’aanka carrabkaaga inay waantoobaan.
  17. Ee sug iyaguna way sugiye.

 

Rasuulku wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), “Waxaa lagu odhan ehlu-Jannaha, ‘Waxaa idiin sugnaaday inaad caafimaadsanaataan oydaan bukoonin waligiin, iyo inaad noolaataan oydaan dhimanin waligiin, iyo inaad nicmeysataan oydaan rafaadin waligiin, iyo inaad da‘ yaraataan oydaan gaboobin waligiin.’” Waxaa wariyay Muslim. Dhabtuna waa inay arrintaasu tahay liibaanta wayn ee gaalo ha sugto dulli iyo ciqaab, mu‘miniintuna sharaf iyo wanaag. Ad-Dukhaan (43-59)

 

Suurat al-Jaathiyah

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Xaa. Miim. [Waa soo hormaray macnaheedu.]
  2. Soo dajinta Kitaabka [Qur’aanka] ah wuxuu ka ahaaday Eebbaha adkaada iyo falka san.
  3. Samooyinka iyo dhulka dhexdiisana aayad baa ugu sugan mu‘miniinta.
  4. Abuurkiinna iyo waxa Eebbe ku fidin [abuuri] dhulka oo wax socda ah aayaad baa ugu sugan ciddii wax yaqiinsan.
  5. Is-khilaafka habeenka iyo maalinta iyo waxa Eebbe kasoo dajiyey samada oo rizqi ah oo ku nooleeyo dhulka intuu dhintay kadib iyo gadgaddoonka dabaylaha waxaa ugu sugan aayaad ciddii wax kasi.

 

Qur’aanka sharafta leh Eebbaa soo dajiyay, samada, dhulka, wax kasta ee Eebbe ku fidiyay dhulka, habeenka, maalinta, roobka iyo gadgaddoonka dabaylaha waxay aayaad iyo calaamo ugu sugan tahay mu‘miniinta Xaqa yaqiinsan ee wax kasi, waana in la raaco amarka Eebba ahaysiiyey waxyaalahaa, laguna dhaqmo Kitaabkiisa, rumeyn, xukun, akhlaaq, mucaamalo iyo wax kastoo tallaaba ah. Al-Jaathiyah (1-5)

 

  1. Taasi waa aayaadka Eebbe aan ku akhriyeyno korkaaga si xaq ah, ee hadalkay Eebbe kadib iyo aayaadkiisa rumayn?
  2. Halaagna wuxuu u sugnaaday beenaale dambi badan dhammaantiis.
  3. Oo maqli aayaadka Eebbe oo la akhrin haddana daa‘ima gaalnimo, isagoo is-kibrin sidii isagoon maqlin, ugu bishaaree cadaab daran.
  4. Markuu ogaado aayaadkannaga wax kamid ah wuxuu ka yeeshaa jeesjees, kuwaasina waxaa u sugnaaday cadaab wax dulleeya.
  5. Waxaa koobi [kana dambeysa] Naarta Jahannamo, waxna uma taro waxay kasbadeen, iyo waxay ka yeesheen Eebbe ka sokow awliyo, waxayna mudan cadaab wayn.
  6. Qur’aankani waa hanuun, kuwii ka gaaloobay aayaadka Eebbehoodna waxaa u sugnaaday cadaab xumaan daran.

 

Cid Qur’aanka rumeyn-wayday wax xaq ah oo kale ma rumeyso, been badane, dambi badane maqla Qur’aankoo la akhrin markaas is-kibriya xumaanna ku madax-taagi, kuna jeesjeesi Qur’aanka waxaa u sugnaaday cadaab daran oo wax dulleeya, wax Eebbe ka sokeeya oo wax u tarina ma jiro, ee Xaqa cad uun hala raaco isagaa wax taree. Al-Jaathiyah (6-11)

 

  1. Eebbe waa kan idiin fududeeyey badda say ugu socoto doonnidu [iyo markabku] dhexdiisa amarka Eebbe, iyo inaad gaadhaan fadligiisa iyo inaad ku mahadisaan.
  2. Wuxuu idiin fududeeyey waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka, dhammaan xaggiisay ka ahaadeen, arrintaasna waxaa ugu sugan aayaad ciddii fikiri.
  3. Waxaad u dhahdaa kuwa rumeeyey u dhaafa kuwaan ka yaabayn ciqaabta Eebbe si uu uga abaal mariyo qawm waxay kasbadeen.
  4. Ruuxii camal fiican fala naftiisuu u falay, ruuxii xumaan sameeyana waxay uun dhibi naftiisa markaas xagga Eebbe uun baa laydiin celin.

 

Wax kasta Eebbaa abuuray isagaana sakhiray, sida badda, markabka, waxa samada ku sugan iyo waxa dhulka ku sugan, dhammaanna xagga Eebbe yey ka ahaadeen, oo ma jiro wax la wadaagta Eebbe maamulka, waxaa uun la dhex-dabaalan nicmada Eebbe iyo khalqigiisa, waase in la fikiro, camal wanaagsanna lala yimaado, xumaantana laga fogaado, mana habboona in nicmada Eebbe iyo fadligiisa lagu kibro laysna weyneeyo adoon waxba ahayn, kuna turrayn, oo miskiin ah. Al-Jaathiyah (12-15)

 

  1. Dhab ahaan baan u siinnay reer Banii Israa‘iil Kitaabka iyo xukun iyo Nabinimo, waxaana ku arzuqnay wax wanaagsan, waxaana ka fadilnay caalamkii [markaas].
  2. Waxaana siinnay xujooyin kamid ah amar, ismana khilaafin, inta cilmi u yimid kadib mooyee, waxayna u diideen xasad iyo dulmi dhexdooda ah, Eebbahaana wuu kala xukumi dhexdooda maalinta Qiyaame waxay isku khilaafsan yihiin.
  3. Waxaana ku yeellay waddo amarka Diinta ah, ee raac, hana raacin hawada kuwaan wax ogayn.
  4. Iyagu kaagama taraan Eebbe xaggiisa waxba, daalimiintana qaarkood wuxuu u yahay sokeeye qaarka kale, Eebbana waa u wali kuwa dhawrsada.
  5. Kaasi [Qur’aanku] waa aragti [nuurka] dadka iyo hanuun iyo naxariis ciddii wax yaqiinsan.

 

Banii Israa‘iil wuxuu Eebbe siiyay waqtiyadii hore Kitaabo iyo in Nabiyo laga bixiyo, waxayse ku jawaabeen is-khilaaf iyo Xaq-diiddo xasad iyo isla-wayni darteed, taasina ma aha waxay ku faani karaan gaalada Yuhuud, maxaa yeeley Nabiyadu waxay ahaayeen Muslimiin, waxaan isaga ahayn wax ma taro. saas darteed yuu Eebbe u faray Nabiga inuu ku toosnaado waddada Xaqa ah iyo Shareecada Islaamka, oosan maqlin warka kuwaan wax ogayn, oon waxna u tarayn, sokeeye dadna wax ma tarto ee waxaa wax tari gargaarka iyo Xaq-raacidda Eebbe. Al-Jaathiyah (16-20)

 

  1. Mise waxay u maleeyeen kuwii kasbaday xumaanta inaan ka yeeleyno kuwa Xaqa rumeeyey ee camal fiican falay oo kale, nolol iyo geeriba? Waxaa xun waxay xukumi.
  2. Eebbaa u abuuray samooyinka iyo dhulka xaq iyo in laga abaal-mariyo naf walba waxay kasbatay, lamana dulmiyo.
  3. Ka warran ruux ka yeeshay ilaahiisa hawadiisa, oo Eebbe dhumiyey isagoo cilmi leh, oo daboolay maqalkiisa iyo qalbigiisa, yelayna araggiisa dabool, yaa hanuunin Eebbe kadib? Miyaydaan wax xusuusanayn?
  4. Waxay dheheen gaaladii, “Wax kale ma jiro ee waa uun noloshannada dhaw, waana dhimaneynaa qaarna noolaan, waxaan waqtiga ahayna nama dilo.” Wax ogaansho ahna uma leh arrintaas waxaan male ahayna kuma socdaan.
  5. Marka lagu akhriyo korkooda aayaadkannaga oo cadcad wax xuja ah ma helaan oon ahayn, “Noo keena aabbayowganno haddaad run sheegaysaan.”
  6. Waxaad dhahdaa, “Eebbaa idin nooleeya idinna dili, idinna kulmin maalinta Qiyaame shakina ma leh, laakiin dadka badankiis ma oga.”

 

Sama-fale iyo xumaan-fale isku mid Eebbe kama dhigo nolol iyo geeri midna, Eebbana wuxuu u abuuray samada iyo dhulka xaq iyo inuu abaal-mariyo naf walba, cid hawadeeda raacday oo dhuntay iyadoo cilmi oo dhago, qalbi, iyo arag beelay cidna ma hanuuniso, gaalada caqliga xun oo lagu magacaabi jiray Dahriyyiin haddana lagu magacaabo Shuuciyiin waxay sheegeen in waqtigu uun dili, waxse ma oga ee Eebbaa wax dila, waxna nooleeya, Qiyaamaana la hor-tagi, cid walbana abaal-marin. Al-Jaathiyah (21-26)

 

  1. Eebbaa iska leh xukunka samooyinka iyo dhulka, maalintay kacdo Saacadda Qiyaame maalintaasay Khasaari xumaanlowgu.
  2. Waxaadna arki ummad kastoo lawyaha ku fadhida Qiyaamada, ummad kastana waxaa loogu yeedhi Kitaabkii [camalkeeda]. Maalintaas waxaa laydiinka abaal-marin waxaad camal-faleyseen.
  3. Kani waa Kitaabkannagii wuxuuna ku hadli Xaq korkiina, annaguna waan qoraynay waxaad camal-falaysaan.
  4. Kuwa Xaqa rumeeyey oo camal fiican falay wuxuu galin Eebbohood naxariistiisa, taasina waa liibaan wayn.
  5. Kuwa gaaloobayse waxaa lagu dhihi, “Miyeyna ahayn aayaadkeyga kuwa korkiinna lagu akhriyo ood is-kibriseen noqoteen qawm dambi falayaal ah?”
  6. Marka la dhaho, “Yabooha Eebbe waa xaq, Saacadda [Qiyaamana] shaki ma leh,” waxaad dhahdaan, “Ma naqaan Saacadda [Qiyaame] waannu uun malayn, mase yaqiinsanin.”

 

Xukunka samada iyo dhulka iyo khalqiga dhammaantiis Eebbaa iska leh, maalinta Qiyaamana waxaa khasaari xumaanlow, cid walbana waxaa la arki iyadoo ku fadhida jilbaha, oo qaadan kitaabkii camalkeeda, Nabigu wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Waxaad mooddaa inaan arko idinkoo jilbaha ku fadhiya taag ka sokeeya Jahannamo.” Kitaabka Eebbena xaq buu ku hadli, kuwa fiicanna naxariista Eebbey heli iyo liibaantiisa, kuwa xunna waxay mudan abaal-marin daran, maxaa yeeley way is-kibriyeen Xaqiina way beeniyeen waxna ma rumeynin. Al-Jaathiyah (27-32)

 

  1. Waxaa u muuqan gaalada xumaantay camal-faleen [ciqaabteedi] waxaana koobi waxay ku jeesjeesi jireen [ciqaabtiisii].
  2. Waxaana loo dhihi, “Maanta [Qiyaamada] waannu idin ka tagi [idinko cadaaban] sidaad u halmaanteen la-kulanka maalintiinan, hoygiinuna waa Naar, wax idiin gargaarana ma jiro.”
  3. “Arrintaasna waxaa ugu wacan inaad ka yeelateen aayaadka Eebbe jeesjees, idinna dhagartay nolosha dhaw [ee adduun].” Maanta [Qiyaamada] lagama bixiyo Naarta, cudur-daarna lama warsado.
  4. Mahad Eebbaa iska leh Eebbaha samooyinka iyo dhulka, Eebbaha caalamkana ah.
  5. Waxaana u sugnaatay waynida samooyinka iyo dhulka dhexdiisa, waana Adkaade Falsan.

 

Xumaanta ciqaabteeda waa la arki, Maalinta Abaal-marintana waxaa lagaga tagi xumaanle oo dhan Naar daran siduu u halmaamay Xaqa, gargaarna ma helo, illeen adduunyaa waashaye, lagamana saaro Naarta, cudur-daarna lama warsado. Mahad, weyni, xukun iyo tasarrufna waxaa iska leh maalintaas Qiyaame iyo had iyo jeerba Eebbaha caalamkee wax walba ahaysiiyey, una ahaan doono. Waxaa sugnaatay in Eebbe ku dhihi addoomadiisa qaar (Qiyaamada), “Miyaan kuu guurinin, miyaanaan ku sharfin, miyaanaan kuu sahlin waxaad korto sida fardaha iyo geela, miyaanaan madax kaa dhigin adoon xukumin?” Wuxuuna dhahaa, “Dhab ahaan waad yeeshay,” wuxuuna dhahaa Eebbe, “Ma waxaad u malaysay inaadan nala kulmi heyn?” Wuxuuna dhahaa, “Maya,” markaasuu Eebbe dhahaa, “Maanta waxaa lagugu dayn sidaad ii halmaantay.” Al-Jaathiyah (33-37)

***

Suurat al-Axqaaf

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Xaa. Miim. [Waxay ku tusin mucjisada Qur’aanka ee wayn, Eebbaa ogna waa la dhahaa.]
  2. Kitaabka [Qur’aanka] ah wuxuu kasoo dagay Eebbaha adkaada ee falka san xaggiisa.
  3. Samaawaadka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeyana waxaan xaq iyo muddo magacaaban ahayn uma aannaan abuurin, kuwii gaaloobayna wixii loogu digay [ee Qur’aanka] ah way ka jeedsadeen.
  4. Waxaad dhahdaa Nabiyow, “Bal ka warrama waxaad caabudaysaan ee Eebbe kasoo hadhay ina tusiya waxay ku abuureen dhulka, ama shirkad ah oy ku leeyihiin samaawaadka, ii keena [oo i tusiya] Kitaab Qur’aanka ka horreyay, ama wax raad cilmi ah, haddaad run sheegeeysaan.”
  5. Wax ka dulmi badan ma jiro ruux baryi Eebbe ka sokow waxaan ajiibeynin [maqleyn] tan iyo Qiyaamada, baryadoodana halmaansan [ogeyn].
  6. Marka dadka lasoo kulmiyana u noqon doona kuwii caabudi jiray col, inay caabudi jireenna dafiri.

 

Qur’aanka Eebbeheenna wayn yaa soo dajiyay, cirka, dhulka iyo khalqiga kale ee badanba Eebbaa abuuray, si ruux walba looga abaal mariyo wuxuu camal falay muddaduu noolaa, wax Eebbe la wadaaga milkigiisa iyo awooddiisana ma jiro, wax in lala caabuda ama lala baryana ma bannaana, xaqna ma aha, ruuxa waxaan Eebbe ahayn caabuda ama baryana maalinta Qiyaame ee kulanka wax uma taro, wuuna dafiraa. Al-Axqaaf (1-6)

 

  1. Marka gaalada lagu dul akhriyo aayaadkannaga [Qur’aanka] oo cad waxay dhahaan kuwa gaalada ah markuu u yimid Xaqu, “Kani waa sixir cad.”
  2. Waxay dhihi, “Waa been uu abuurtay [Nabigu].” Waxaad dhahdaa, “Haddaan been abuurto waxba iigama taraysaan Eebbe xaggiisa? Isagaana og waxaad dhumbanaysaan [oo been ah] Eebbaana marag ugu filan dhexdeenna, waana dambi-dhaafe naxariista ah.”
  3. Waxaad dhahdaa, “Ma ihi bidci ka gaar ah Rasuullada, mana ogi waxa lagu fali aniga iyo idinka, waxaan uun raaci waxa lay waxyoodo [ee Qur’aanka ah] waxaana ahay u-dige cad [oo muuqda].”
  4. Waxaad dhahdaa, “Bal ii warrama hadduu Qur’aanku Eebbe kasoo dagay ood ka gaalowdaan oo uu ka marag-furo marag reer Banii Israa’iil ah isaga oo kale [xaqnimada iyo runta] oo uu rumeeyay idinkuna aad is-kibriseen, Eebbana ma hanuuniyo kuwa dulmilowga ah.”

 

Qur’aanku waa xaq sugan oo Eebbe usoo dhiibay Malaku Jibriil, kuna soo dajiyay Nabiga Muxammad ah (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), mana aha wararkii dadkii hore oo lasoo uruuriyay, siday gaalada Xaq-diidayaasha ah sheegteen, sixirna ma aha iyo wax la been-abuurtay, Nabiguna jeebkiisa kama keenin, siduu Eebbaba aayada badan ku caddeeyay, maragna waxaa ugu filan Nabiga Eebbaha Wayn ee naxariista badan, Nabiguna wax gaar ah oo hor leh oon toosnayn lama imaanin, ee wuxuu raaci wixii Eebbe u waxyooday. Waxaa Qur’aanka u marag furay oo rumeeyay culimo kamid ah reer Banii Israa’iil, siday u rumeeyeen Kitaabkoodii, inkastood idinku ka gaalowdeen isna kibriseen. Al-Axqaaf (7-10)

 

  1. Gaaladii waxay dheheen hadduu Qur’aanku khayr yahay noogama hormareen rumayntiisa, iyagoon hanuunsanayn gaaladu yay haddana dhihi, “Kan [Qur’aanka ah] waa beenihii hore.”
  2. Qur’aanka waxaa ka horreeyay Kitaabkii [Nabi] Muuse, isagoo ah hanuuniye iyo naxariis, kanna waa Kitaab u rumayn [Xaqa], af-Carabina kusoo dagay, si uu ugu digo kuwa dulmiga falay, uguna bishaareeyo kuwa wanaagga falay.
  3. Kuwa yidhi, “Eebbahanno waa Alle,” haddana toosnaaday cabsi iyo murugi midna ma arkaan.
  4. Kuwaasna waa ehlu-Janno wayna ku waari dhexdeeda, abaal-marin camalkoodii [wanaagsanaa] darteed.

 

Xaqa rumayntiisa ruuxna gaar uma aha, ee ciddii Eebbe waafajiyo oo hanuunka doonta yaa hanuuna, sida ay gaaladu dheheenna xaalku ma aha oo ah in ruuxa xoolaha badan ama madaxda ah uu ku xaq- leeyahay inuu wax walba ugu horreeyo, xataa hanuunkaba. Qur’aankuna ma aha kii ugu horreeyay kutubta Eebbe ee waxaa hortiisa ahaa Tawreeddii Nabi Muuse ee wanaagsanayd, iyo Kutubihii kale ee Eebbe, Qur’aankuna wuxuu kusoo dagay luqadda Carabiga ah si uu ugu digo kuwa leexday, uguna bishaareeyo kuwa wanaagga fala, ruuxiise Eebbe aqoonsada haddana toosnaada cabsi iyo murugo midna ma qabato maalinta Qiyaame, Jannana wuu gali isagoo ku waari camalkiisa wanaagsan dartiis. Al-Axqaaf (11-14)

 

  1. Dadka waxaan u dardaarannay labadiisii waalid inuu u wanaag falo, hooyadiis uurkay ku sidday iyadoo dhibban wayna dhashay iyadoo dhibban, uurkiisa iyo gudhintiisuna waa soddon bilood, markuu ilmihii tabar yeesho oo afartan gaadho yuu [kan fiican] dhahaa, “Eebbow igu toosi inaan kugu mahadiyo nicmadaada aad iigu nicmaysay aniga iyo waalidiintay, iguna toosi inaan camal fiican ood ka raalli tahay falo, iina wanaaji faracayga, waana kuu tawbad-keenaye, waxaana ka mid ahay Muslimiinta.”
  2. Kuwaasi waa kuwaannu ka aqbalayno camalkoodii fiicnaa, kana dhaafayno koodii xumaa, waxayna noqon ehlu-Janno Eebbana wuxuu u yaboohay yabooh run ah.

 

Waalidka xaqiisu aad buu u wayn yahay, Eebbana in badan yuu Qur’aanka kusoo celceliyay, sida aayadahan oo kale, meelo badanna wuxuu Eebbe la xidhiidhiyay cibaadadiisa, si gaar ahna wuxuu u xusay hooyada, maxaa yeelay waxay la kulantaa dhib badan, xagga uurka iyo xagga dhalmada iyo nuujintaba, saas daraaddeed ilmaha wanaagsan wuu u sama-falaa, isagoo Eebbe warsan inuu waafajiyo mahaddiisa, siduu ugu sama-falay isaga iyo waalidkiisba, una fududeeyo inuu camal fiican falo, faraciisana u suubiyo, ruuxa saas yeelana waa midka Eebbe wanaagga ka aqbalo, xumaantana ka dhaafo Janno iyo wanaagna ku abaal-mariyo. Al-Axqaaf (15-16)

 

  1. Waxaa jira mid ku dhihi labadiisii waalid, “Uf baa la idin yidhi ee ma waxaad ii yaboohaysaan in la i soo bixin iyadoo dadkii horaba tagay,” labada waalidna ay Eebbe uga baryi [hanuun], iyagoo ku dhihi “Magacaa ba’, ee rumee, ballanqaadka Eebbana waa xaq ee,” oo markaas ku dhihi, “Waxaasi waa beentii dadkii hore.”
  2. Kuwaasi waa kuwa caddibaadi u sugnaatay iyagoo kamid noqon kuwii horay u tagey oo jinni iyo insiba leh, waxayna ahaayeen kuwa khasaaray.
  3. Cid walba waxay mudan waxay camal-fashay Eebbana wuu u oofin camalkooda iyagoon la dulmiyaynin.

 

Waalidka xaqiisa waxaa sheegay aayado badan, waxaana inoo soo hor maray ilmihii baarriga u ahaa waalidkii xaalkiisa, aayadahanna waxay caddayn xumaanta caaqnimada iyo caasiyidda waalidka, iyo in ruuxii waalidkiis caasiya, xumaan, Eebba-khilaafld, Qiyaamo-inkirid iyo baadinnimoba uu u dhawyahay, kuwa saas yeelana, waa kuwa Naartu u waajibtay oo khasaarana ku dhacay, illeen ruux walba Eebbe wuxuu ka abaal-marin wuxuu camal-falay wanaag iyo xumaaanba. Al-Axqaaf (17-19)

 

  1. [Xusuuso] maalinta kuwii gaaloobay loo bandhigi Naarta,iyagoo lagu dhihi, “Waxaad wanaaggiinii ku dhammaysateen noloshiinnii dhawayd, waadna ku raaxaysateen, maantase waxaa laydinku abaal marin caddibaad dulli ah, is-kibrintiinnii aad xaq-darro isula weyneydeen iyo faasiqnimadiinna darteed.”
  2. Xusuuso reer Caad walaalkood [Nabi Huud] markuu u digay qawmkiisii iyagoo daggan Axqaaf, iyagoo Rasuullo wax u diga ka horreeyeen kana dambeeyeen, isagoo ku dhihi, “Eebbe mooyee wax kale ha caabudina, waxaan idiinka yaabi caddibaad maalin wayn.”
  3. Waxay ku dheheen, “Ma waxaad noola timid inaad naga iisho ilaahyadannada, noo keen waxaad noogu goodiyayso haddaad run sheegeyso.”
  4. Wuxuuna ku yidhi, “Eebbaa ku cilmi leh [goorta caddibaaddiinna] ee anugu waxaan idin gaadhsiin waxa lay faray inaan gaadhsiiyo, waxaanse idinku arkaa kuwa jaahiliin ah.”

 

Raaxo adduun oo caddibaadi ka dambayso wax ma tarto, ruuxiise gaalnimo, kibir iyo Xaq-diidnimo ku kaca waxaa lagu abaal-marin Aakhiro caddibaad. Aayadaha kale waxay ka qisoon qawm la dhihi jiray reer Caad oo loo diray Nabi Huud, beeniyeenna markuu Xaqa ugu yeedhay iyo in Eebbe kaliya ay caabudaan, kana digtoonaadaan caddibaad daran, wayse madax-adaygeen, waxayna u caddeeyeen inayan marna ilaahyaalkooda ka tagaynin, ee wuxuu keeni ha keeno, Eebbaase wax walba og awoodna leh, hadalladaas oo kalana waxaa ku hadla jaahiliinta isla-wayn. Al-Axqaaf (20-23)

 

  1. Markay gaaladii reer Caad arkeen caddibaaddii [sida daruur] oo toggooda soo qaabishay waxay dheheen, “Waa daruur na waraabinaysa,” ma aha ee waa waxaad dadajisanayseen inuu yimaado oo caddibaad ah, waana dabayl caddibaad darani ku jirto.
  2. Wax kasta oy martana way burburin amarka Eebbe dartiis, markaasay ahaadeen kuwa aan la arkaynin guryohoodii mooyee, saasaana ku abaal-marinnaa kuwa dambiilayaasha ah.
  3. Waxaan makaninnay [siinnay] reer Caad wax aannaan idin makaninnin, waxaana u yeellay maqal, arag iyo quluub, waxbase uma tarin maqalkoodii, araggoodii iyo quluubtoodii, maxaa yeelay waxay diidayeen aayaadka Eebbe, waxaana ku dhacay [oo koobay] caddibaaddii ay ku jeesjeesayeen.

 

Gaaladii reer Caad way kibreen waxayna beeniyeen Nabigii Eebbe ee Huud ahaa, markaasaa Eebbe ku halaagay caddibaad dabayleed oo Naari ku dhex jirto, iyagoo roob mooday dabayshaas oo baabbi‘isay halaagtayna, saas oo kalana waxaa mudan ciddii isla-waynaata, oo gaalawda dhammaanteed, cid dhuntayna maqal, arag iyo qalbi wax uma taro, saas daraaddeed waa in lagu waana qaato qisadan, Eebbana lagu xidhnaado illeen xoog iyo quwad cidna agtiisa wax uma tartee. Al-Axqaaf (24-26)

 

  1. Waxaan halaagnay wixii gaararkiinna ahaa oo magaalooyin ah, xujooyinkana waan caddaynay si dadku Eebbe ugu noqdo.
  2. Maxay ugu gargaari waayeen kuway ilaahyaal ay u dhawaadaan ka dhigteen Eebbe ka sokow, way ka dhumeen, taasina waa beentoodii iyo war-abuurashadoodii.
  3. Xusuuso markaan kuu soo iilnay koox jinni ah oo Qur’aanka dhagaysan, markay yimaadeen [meesha lagu akhriyina] ay isu dheheen dhagaysta, markii la dhammeeyayna ay ciddoodii ku noqdeen iyagoo u digi.
  4. Oo ku dhihi, “Qawmkannow waxaan maqallay Kitaab [Qur’aan] lasoo dajiyay [Nabi] Muuse kadib oo rumayn Kitaabihii ka horreeyey, kuna hanuunin Xaq iyo Waddada Toosan.”
  5. “Qawmkannow ajiiba [raaca] u-yeedhaha Xaqa Eebbe, rumeeyana, dambigiinna Eebbe ha dhaafee, hana idinka koriyo caddibaad darane.”
  6. “Ruuxaan ajiibin [raacin] u-yeedhaha Eebbe kuma daaliyo Eebbe dhulka dhexdiisa [kama cararo] wax Eebbe kasoo hadhay oo u gargaarina ma jiro, kuwaas [aan maqlaynin yeedhidda Eebbana] waa kuwa baadi cad ku sugan.”

 

Labada aayadood ee hore waxay ka warrami sida Eebbe u halaagay gaaladii kibirtay ee Makka ag dagnayd, ilaahyadoodii Eebbe kasoo hadhayna ayna wax u tarin, Ilaahayna saasuu u karaa inuu Xaq-diidayaashu u halaago. Aayadaha kale waxay ka qisoon in Nabiga Muxammad ah (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) loo diray jinni iyo insiba, ayna koox jinni ah maqashay isagoo Qur’aanka akhrin dhagaysteenna rumeeyeenna. Al-Axqaaf (27-32)

 

  1. Miyeyna ogayn Eebbaha abuuray samaawaadka iyo dhulka aan kana noogin abuurkooda inuu karo inuu soo nooleeyo wixii dhintay? Saas ma aha ee Eebbe wax walba oo uu doono wuu karaa.
  2. Maalinta kuwii gaaloobay loo bandhigi Naarta waxaa lagu odhan, “Miyuuna xaq ahayn kan [caddibaadda ah]?” Markaasay dhahaan, “Eebbaan ku dhaarannaye waa xaq,” Eebbe wuxuu ku dhahaa. “Dhadhamiya caddibaadda gaalnimadiinna darteed.”
  3. U-samir siday u samreen kuwii sugnaanta iyo niyadda u saaxiibka ahaa ee Rasuullada ahaa, hana ku dagdagin in la caddibo waxay la mid noqon markay arkaan waxa loogu gooddiyay ineeyan ku nagaanin adduunka saacad maalin ah waxaan ahayn, Qur’aankuna waa gaadhsiin, kuwa faasiqiinta ah un baana la halaagaa.

 

Ilaaheen isagaa wax walba abuuray, wax daaliya ama cajis-galiyana ma jiro, soo-bixinta dadkuna way u fududdahay, maalinta gaalada Naarta la horkeenana waxay qiran xumaantoodii ay ku faleen adduunka, waxaana lagu abaal-marin caddibaad, waxaase laga rabaa ruuxa Muslimka ah sabir, adkaysi iyo Xaq-ku-sugnaansho, sida Eebbe faray Rasuulladiisuna ahaayeen, Qur’aankuna waa digniin Eebbe iyo war cad iyo gaadhsiin caalamka oo dhan, inkastoo ruuxu ku raaxaysto adduunyada ama ku raagaba waxay la mid noqon isagoon ku nagaanin mudda yar mooyeene. Al-Axqaaf (33-35)

 

Suurat Muxammad

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Kuwii gaaloobay oo jidka Eebbana ka leexiyay dadka Eebbe waa buriyay camalkooda.
  2. Kuwa rumeeyay Xaqase oo camal fiican falay oo rumeeyay Qur’aanka lagu soo dajiyay [Nabiga] Muxammad ah ee xaqa ah Eebbe wuu asturi xumaantooda, xaalkoodana wuu wanaajin.
  3. Saasna waxaa ugu wacan in kuwa gaaloobayna ay raaceen baadil, kuwa rumeeyayna ay raaceen Xaqa Eebbe, saasuuna Eebbe u yeelaa tusaale.
  4. Haddaad kula kulantaan gaalada dagaal luqunta ka garaaca, markaad sugtaanna ku adkeeya xidhidda, markaas ama iska sii daaya ama hays furteen, inta dagaalku ka xasili, xaalku waa saas, hadduu Eebbe doonana wuu ka aarsan karaa, hase yeeshee wuxuu saas u falay inuu qaarkiin qaarka kale ku imtixaano, kuwa Jidka Eebbe lagu dilana camalkooda Eebbe ma halleeyo.
  5. Eebbana wuu toosin oo hanuunin kuwaas, wuuna wanaajin xaalkooda.
  6. Wuxuuna galin Janno [uu baray] u caddeeyay.

 

Gaaladii Nabiga ka gaalowday Xaqana dadka u diidday camalkoodu wuu buri, sida kuwa Nabiga rumeeya camal fiicanna fala dambigooda loo dhaafo, maxaa yeelay isku mid ma noqon karaan ruux Xaqa raacay oo dadka faray iyo mid gaaloobay dadkana Xaqa ka reebay, tan kale wuxuu Eebbe farayaa mu‘miniinta inay ku jihaadaan Jidka Eebbe, gaaladana isaga caabbiyaan si daran, Jahaadkuna waa imtixaan Eebbe, ciddii ku dhimatana waa ehlu-Janno haddii kalana waxay heli guul iyo sharaf, saas daraaddeed yaa ciddii Jahaadka ka tagta dulli iyo gumaysi u dul fuulaa. Muxammad (1-6)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, haddaad u gargaartaan Eebbe [Diintiisa] isna wuu idiin gargaari, gommadihiinnana wuu sugi [geesinnimo].
  2. Kuwa gaaloobayse halaag iyo [hoos-u-dhac] yaa u sugnaaday, camalkoodiina Eebbe wuu halleeyay.
  3. Saas waxaa ugu wacan inay neceen waxa Eebbe soo dajiyay oo xaqa ah, markaasuu hoobiyay camalkoodii.
  4. Miyayna ku soconin dhulka oo markaas ay arkaan siday noqotay cidhibtii kuwii gaaloobay ee reer Makka ka horreeyay? Eebbaa halaagay, gaaladana waxaa u sugnaaday saasoo kale halaag.
  5. Saas waxaa ugu wacan in Eebbe yahay gargaaraha mu’miniinta, gaaladuna ayna gargaare lahayn.
  6. Eebbe wuxuu galin mu‘miniinta camalka fiicanna falay Jannooyin ay dureeri dhexdeeda wabiyaal, kuwa gaaloobayna way raaxaysan [adduunka] una cuni sida xooluhu wax u cunaan, Naarna waa gurigay ku hoyan.

 

Eebbe dadka gargaar ugama baahna ee imtixaan dartiis yuu u falay saas, ciddiise Diinta Eebbe difaacda wuu u gargaaraa, gaaladana dulli iyo halaag yaa u dambayn, maxaa yeelay waa Xaq-diidayaal, waana ruuxu dhulka inuu maraa kuna waana-qaato wixii dhacay. Tan kale waa in mu‘miniintu rumeeyaan in Eebbe u gargaari hadday la yimaaddaan niyad san, midnimo, toosni iyo Xaq-daaficid. Taasina waxay ka muuqataa siduu Eebbe u gargaaray Nabigii (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) iyo asxaabtiisii, mudda yar kadibna Diinta Islaamku meel walba ku faaftay kana talisay, intaas waxaa u dheer Jannada Aakharo, maxayse tari in sida xoolaha wax loo cuno mar hadday Naaru ka dambayso. Muxammad (7-12)

 

  1. Imisay jirtay magaalo ka xoog badan magaaladaadan ku bixisay [Makka] aanna hallignay, gargaarana aan helin.
  2. Ruux Xaqa cad ee Eebbe ku sugan ma lamid baa ruux loo qurxiyay camalkiisa xun oo haddana waxa naftiisu jeceshahay [ee xun] raaca?
  3. Tilmaanta Jannada loogu yaboohay mu’miniinta waa in wabiyaal biya ah oon doorsoomaynin dhexdeeda yihiin, iyo wabiyaal caano ah oon iyana dhadhankoodu doorsoomaynin, iyo wabiyaal khamro [xalaal ah] oo u macaan dadka cabbi, iyo wabiyaal malab ah oo la sifeeyay, waxayna Jannada ku leeyihiin nooc kasta oo midho ah, iyo dambi-dhaafka Eebbe. Ma lamid baa ruux Naarta ku waari lagana waraabin biyo kulayl daran oo xiidmahooda gooya?
  4. Waxaa kamid ah gaalada kuwo ku dhagaysan [Nabiyow], markay agtaada ka baxaanna ku dhihi kuwa cilmiga leh [asxaabta], “Muxuu lahaa dhawaan?” Kuwaasi waa kuwa Eebbe daabacay quluubtooda, waxay naftoodu jeclaydna [oo xunna] raacay.

 

Xoog Eebbaa iska leh, Xaq-diide kastana Eebbe wax kuma aha inuu halligo sidii kuwii horeba uu ku falay, Xaq iyo baadilna isku mid ma aha, Jannada Eebbe u darbay mu’miniinta ee wanaaggu ku dhan yahay iyo Naar daranna ma sinna, Eebbeheenna dadka ma dulmiyo ee ruux walba wuxuu falo yuu ka abaal-mariyaa, samaan iyo xumaanba, Qur’aanka iyo Xaqa oo lagu jeesjeeso waa ficilka gaalada iyo xumaanlowga ee waa in layska jiraa. Muxammad (13-16)

 

  1. Kuwa hanuunay [Eebbe] wuxuu u siyaadiyaa hanuun, wuxuuna waafajiyaa [Eebbe] ka-yaabiddiisa.
  2. Gaaladu ma waxay sugi in Qiyaamadu kado ugu timaaddo? Waxaase yimidba calaamooyinkeedii, ee sidee bay xusuus ugu sugnaan hadday Qiyaamadu timaaddo?
  3. Ogow [kuna sugnow Nabiyow] inaan Eebbe mooyeen ilaah kale [xaq lagu caabudo] jirin, una dambi-dhaaf waydii naftaada iyo mu‘miniinta rag iyo haweenba, Eebbana waa ogyahay dhaqdhaqaaqiinna iyo nagaadigiinnaba.
  4. Waxay kuwa Xaqa rumeeyay dhahaan, “Maa lasoo dejiyo suurad,” markiise lasoo dajiyo suurad sugan dagaalkana [Jahaadkana] lagu sheego waxaad arkaysaa kuwa quluubta ka buka oo kusoo fiirin [Nabiyow] sida ruux sakaraad hayo oo kale, halaag bayna mutaan kuwaasi.
  5. Daacadnimo iyo hadal wanaagsan yaa u khayr roonaan lahayd, markase xaalku dhaboobo [Jahaad la galo] hadday Eebbe u run sheegaan yaa u khayr badan.

 

Ruuxii Xaqa raaciddiisa iyo Jidka Eebbe ku dadaala Eebbe wuxuu ku abaal-mariyaa inuu u siyaadiyo hanuun, wuxuuna waafajiyaa wanaag iyo Eebbe ka-yaabid, ciddii caqli lehna waa inay waqtiga ka faa’iidaysataa, maxaa yeelay Qiyaamadu waxay ku imaan kado, markay timaaddana cidna calaacal iyo catow wax uma tarto, mar haddii fursaddu dhaafto, waana in Eebbe si dhab ah loo qiraa laguna sugnaado arrintaas, dambi-dhaafna had iyo jeer la waydiistaa, Jidkiisana lagu toosnaadaa laguna jihaadaa, hadal wanaagsan, niyyad adag, daacadnimo iyo Eebbe rumayn dhab ahna lagu dadaalo. Muxammad (17-21)

 

  1. Amaad mudan tihiin haddaad Xaqa [Jahaadka] ka jeedsataan inaad fasaadisaan dhulka, qaraabadiinnana goysaan.
  2. Kuwaasi waa kuwa Eebbe lacnaday, dhagaha iyo indhahana tiray.
  3. Miyayna Qur’aanka u fiirsanin [si dhab ah] mise quluubtoodaa daboolan.
  4. Kuwa riddoobay [gaalnimo ku noqday] inta Xaqu iyo hanuunku u caddaaday kadib, Shaydaan baa u qurxiyay, yididiilo [been ahna] uguna yaboohay.
  5. Saas waxaa ugu wacan iney kuwa riddoobay ku dheheen kuwa Xaqa nacay waxaan idinku [waafaqaynaa] adeecaynaa amarka qaarkiis [colnimada Nabiga], Eebbana waa ogyahay waxay qarsan.
  6. Ee say noqon markay nafta ka qaadayso malaa’igtu iyadoo ka garaaci wajiga iyo gadaashaba?
  7. Saas waxaa ugu wacan inay raaceen kuwaasi wax Eebbe ka cadhoodo, neceenna raalli-ahaanshihiisa, markaasuu buriyay camalkoodii.

 

Xaqa iyo wanaagga iyo Jihaadka oo laga jeedsado waxay sabab u noqotaa halaag iyo dhibaato, fasaadinta dhulka iyo qaraabada oo la gooyo, kuwa saa falana waa kuwa lacnadda Eebbe ku dhacdo, maqal iyo aragna aan lahayn, maxaa yeelay ma aha kuwo Qur’aanka fiiriya, arrintaasuna ciqaab adduun yay leedahay Aakhira ka hor, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) wuxuu yidhi, “Dambi ka dhaw in Eebbe ciqaabta u soo dadajiyo isagoo tii Aakhirana u dheer tahay ma jiro dulmi iyo qaraaba-goys.” Waxaa wariyay Imaam Axmad binu Xanbal. Kuwaase Xaqa ka riddooba waa kuwa Shaydaan ka adkaaday, Xaq-diidayaalna ah, Eebbana kama qarsoona xaalkoodu, waana kuwa si daran nafta looga qaadi, illeen waxay raaceen wax Eebbe cadha galiya wanaaggana way neceene. Muxammad (22-28)

 

  1. Kuwii qalbiga ka bukay ma waxay u maleeyeen inaan Eebbe soo muujinayn xumaanta [iyo xasadka] qalbiga kaga jira?
  2. Haddaan doonno waan ku tusin karnaa kuwaas, waxaadna ku aqoonsan calaamad, waxaad kaloo ku aqoonsan hadalka leexsan, Eebbana waa ogyahay camalkooda.
  3. Waannu idin imtixaanaynaa intaan ka muujinno kuwiinna jahaadi iyo kuwa samra, waana imtixaanaynaa xaalkiinna.
  4. Kuwa gaaloobay ee Jidka Eebbe ka leexiya dadka Rasuulkana khilaafa [lana collooba] inta Xaqu u caddaaday kadib waxba Eebbe kama dhimayaan camalkoodana wuu burin.
  5. Kuwa Xaqa rumeeyow, Eebbe adeeca, Rasuukiisana adeeca, camalkiinnana hays ka burinina.
  6. Kuwa gaaloobay, oo Jidka Eebbe ka leexiyay dadka, kadibna dhinta iyagoo gaala ah, Eebbe uma dambi-dhaafo.

 

Waxa qalbiga ku jira Eebbe waa ogyahay samaan iyo xumaanba, hadduu doonana wuu muujin karaa xaalka munaafiqiinta, waxaa kamid ah calaamooyinkooda Diin iyo Muslim ceeb-ka-sheeg iyo carrab leexsan, adduunkuna waa guri imtixaan say u kala muuqdaan runlowga, jahaadaha, samirlaha iyo kuwa xunxun, ruuxiise gaalooba oo Xaqa dadka ka reeba Rasuulkana la collooba isagoo Xaqu u cad yahay, muxuu Eebbe u dhimi isagaa la kulmi xumaantiisee, cid xumaan fashay gaalnimana ku dhimatay (Eebbaan ka magan-galaynayee) Eebbe uma dambi-dhaafo umana naxariisto. Muxammad (29-34)

 

  1. Ha tabar darraanina mu‘miniintaay ood markaa heshiis u yeedhaan, idinkaaba ka sarreeyee Eebbana idinla jiraaye, camalkiinnana ma nusqaaminaayee.
  2. Nolosha adduunyo waa uun ciyaar iyo dheeldheel, haddaadse Xaqa rumaysaan ood dhawrsataan wuxuu idin siin [Eebbe] abaalkiinna, xoolihiinnana idin waydiisan maayo.
  3. Hadduu idin waydiiyo [Eebbe] xoolihiinna [dhammaan] idinkuna celceliyo waad bakhayloobaysaan, waxaana soo bixi colnimadiinna.
  4. Kuwaas Xaqa rumeeyow, waxaa laydiinku yeedhi inaad Jidka Eebbe wax ku bixisaan, waxaase idin kamid ah kuwo ku bakhayli, ruuxiise bakhayla wuxuu uun kala bakhaylay naftiisa Eebbana waa hodon, idinkuna waxaad tihiin fuqaro, haddaad Xaqa ka jeedsataanse wuxuu Eebbe idinku baddali kuwa kale oon idin lamid noqonayn.

 

Mu‘miniintu waa inay xoog yeeshaan, tabaryarina ka digtoonaadaan, si ayan gaalada ugu hoos noolaannin, xaqoodana loo duudsiyin, maxaa yeelay iyagaaba Eebbe la jiraa, hadday dhintaanna waa Janno, hadday noolaadaanna waa guul iyo sarrayn, adduunkuna waa dhalanteed ee waa in ruuxa caqliga leh uu ku maraa wanaag iyo Eebbe ka-cabsi, isagoo waajibkiisana gudanaya, waa in Jidka Eebbana xoolaha lugu bixiyaa, bakhaylnimadana layska jiraa illeen naftaada un bay dhibiye, Eebbase waa hodon dadkaase u baahan had iyo jeere, ciddiise is-kibrisa oo Xaqa ka jeedsata wuxuu Eebbe awoodaa inuu ku baddalo mid ka khayr badan kana wanaagsan. Muxammad (35-38)

 

Suurat al-Fatxi

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Annagaa ku siinnay fatxi [gargaar] cad [Nabiyow].
  2. Si Eebbe kuugu dhaafo waxaad hormarsatay iyo wixii dib maray oo gaf ah, nicmadiisana kuugu taam-yeelo, Jidka Toosanna kuugu hanuuniyo.
  3. Kuuna gargaaro Eebbe gargaar wayn.
  4. Eebbe waa kan ku dajiyay xasilloonida quluubta mu‘miniinta si ay iimaan ugu siyaadsadaan iimaankoodii, Eebbaana iska leh samaawaadka iyo dhulka junuudda ku sugan, Eebbana waa wax walba oge falsan.
  5. Si uu u galiyo mu‘miniinta rag iyo haweenba Jannooyin ay dureereyso dhexdeeda wabiyaal iyagoo ku waari, dambigoodana wuu asturi, arrintaasuna Eebba agtiisa waxay ku tahay liibaan wayn.

 

Suuraddan wanaagsani waxay kusoo dagtay markay Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) iyo asxaabtiisii kasoo laabteen heshiiskii Xudeybiyya, oo gaaladii Qureysheed u diideen Nabiga iyo asxaabtiisa inay cumraystaan, fareenna inay Madiina ku noqdaan, shuruudo adagna la dhigteen inkastooy xagga daahirka aad mooddo tabar yari Muslimiinta, haddana waxaa ka dambeeyay khayr badan iyo fatxi, waxayna caddayn in Eebbe Naasir iyo Gargaare u yahay mu‘miniinta. Waxaa kale oy ku tusin in Jidka Toosan lagu sugnaado, xoogna Eebbaa iska leh, cirka iyo dhulkuna awooddiisay ku hoos jiraan, liibaanta kama-dambaysta ahse waa saamaxaad Eebbe oo la helo iyo Jannadiisa siduu mu‘miniinta u ballan-qaaday. Al-Fatx (1-5)

 

  1. Iyo inuu caddibo munaafiqiinta rag iyo haweenba, iyo mushrikiinta [gaalada] rag iyo haweenba, Eebbana u maleeyey mala xun, xumaantu korkooda haku wareegto, Eebbana ha u cadhoodo, hana lacnado, hana u darbo Naarta Jahannamo, meel loo ahaadana iyadaa u xun.
  2. Eebbaa iska leh junuudda ku sugan samaawaadka iyo dhulka, Eebbana waa adkaade falsan.
  3. Annagaa ku dirray Nabiyow adigoo marag ah, bishaareeye digena ah.
  4. Si aad dadow Eebbe u rumaysaan iyo Rasuulkiisa uguna gargaartaan, una waynaysaan, Eebbana ugu tasbiixsataan aroor iyo galabba.
  5. Kuwa [Nabiyow] kula ballamaya waxay la ballamayaan uun Eebbe, ballanna ka qaadeen, ruuxiise buriya naftiisa un buu ku buriyay, ruuxii oofiyana wuxuu Eebbe kula ballamay wuxuu siin ajri wayn.

 

Eebbe wuxuu ugu goodiyay munaafiqiinta iyo mushrikiintaba caddibaad daran, maxaa yeelay way ka gaaloobeen waxayna u maleeyeen male xun, ciddii saas yeeshana Eebbe wuu dullayn wuuna u cadhoon oo lacnadi, wuxuuna ku abaal-marin Naarta Jahannamo (Eebbe hanaga koriyee), Eebbaana iska leh cirka iyo dhulka waxa ku sugan, Nabiga Muxammad ahna (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) Eebbaa soo diray si uu marag, bishaareeye dige iyo gaadhsiiye ugu noqdo caalamka, dadkana waxaa ku waajib ah dhammaantood inay rumeeyaan, wayneeyaanna una gargaaraan, Eebbana had iyo jeer, habeen iyo dharaar ku xidhnaadaan kana dhawrsadaan. Al-Fatx (6-10)

 

  1. Waxay kugu dhihi kuwii ka dib-maray [Jahaadka] ee reer-baadiyaha [Carbeed ahaa], “Waxaa na shuqliyay xoolahannagii, iyo ahalkannagii, ee Eebbe noo dambi-dhaaf waydii,” carrabkooda yay ka dhihi waxaan qalbigooda jirin, waxaad ku dhahdaa, “Yaa Eebbe wax idiinka hanan kara hadduu dhib idinla doono, ama gargaar idinla doono? Saas ma aha, ee Eebbe waa ogyahay waxaad camal-falaysaan.”
  2. Waxaadse u malayseen inayan Rasuulka iyo mu‘miniinta u soo noqonnaynin ehelkooda waligood, saasaana loogu qurxiyay qalbigiinna, waxaadna ahaateen kuwo halaagsamay.
  3. Ruuxaan Eebbe rumayn iyo Rasuulkiisa waxaan gaalo u darabnay Naarta Saciiro.
  4. Eebbaa iska leh xukunka waxa samaawaadka iyo dhulka ku sugan, wuxuuna u dambi-dhaafi cidduu doono, wuxuu caddibi cidduu doono, waana dambi-dhaafe naxariiste ah.

 

Ma habboona in waqtiga Muslimiintu dagaal iyo Jihaad ku jirto uu ruuxna cudur-daar la’aan iska fadhiisto, isagoo ku marmarsoon in xoolihiisii iyo ehelkiisii shuqliyeen, siday faleen Carabtii reer baadiyaha ahayd, oy haddana dambi-dhaaf waydiistaan, arrintaasu waa carrab iyo qalbi is-khilaafsan, Eebbe un baana dhib iyo dheefba hanta wax walbana og, mana aha in Rasuulka iyo mu‘miniinta loo maleeyo xumaan iyo inay jabi ooyan guulaysanaynin iyagoo fayowna u soo noqonaynin ehelkoodii. Eebbe iyo Rasuulkiisa ciddaan rumaynin wuxuu Eebbe u darbay Naarta Saciira, cirka iyo dhulka xukunkooda Eebbaa iska leh, ruuxuu doonana wuu u dambi-dhaafaa, kuu doonana wuu caddibaa waana dambi-dhaafe naxariista ah. Al-Fatx (11-14)

 

  1. Waxay idinku odhan kuwii dib-maray markaad qaniimo aaddaan si aad usoo qaadataan, “Na daaya aan idin raacnee,” iyagoo dooni inay baddalaan hadalka Eebbe, waxaad dhahdaa, “Na raaci maysaan Eebbaana sidaa yidhi mar hore,” waxayse dhihi, “Waad na xasdaysaan,” waase kuwo aan wax kasaynin in yar mooyeen.
  2. Waxaad ku dhahdaa Nabiyow kuwa dib-maray ee reer baadiyaha ah, “Waxaa laydinku yeedhi kuwa xoog badan oo daran inaad la dagaallantaan intay ka islaamaan, haddaadse addeecdaan wuxuu Eebbe idin siin ajri fiican, haddaadse jeedsataan saad horayba ugu jeedsateen wuu idin caddibi caddibaad daran.”
  3. Ruux indha-la’ korkiisa dhib [Jahaad] ma saarra, iyo ka naafada ah iyo kan buka, ruuxiise Eebbe addeeca iyo Rasuulkiisa wuxuu galin Jannooyin ay dhex dureeri wabiyaal, ruuxiise jeedsada wuu caddibi caddibaad daran.

 

Saas oo kale ma habboona in marka Muslimiintu dagaal iyo duullaan ku jirto laga fadhiisto, marka xoolo iyo qaniimo gaalada laga helana la doono in wax laga helo, saas waa inayan Muslimiintu oggolaanin, maxaa yeelay Eebbe kama raalli aha, inkastooy dhihi, “Waad na xasdaysaan,” maxaa yeelay waa wax-ma-gartayaal, waase in la imtixaano kuwaas, lana faro inay la dagaallamaan kuwa daran oo xoog badan intay ka islaamaan, hadday saas yeelaan wanaag buu Eebbe siin, haddayse jeedsadaan siday horayba ugu jeedsadeen wuu caddibi, ruuxna Eebbe kuma kallifo wuxuusan karin, saas daraaddeed indhoole, naafo, iyo ruux buka midna dhib (dagaal) ma saarra. Al-Fatx (15-17)

 

  1. Eebbe wuu ka raalli noqday mu’miniinta markay kugula ballantamayeen [Nabiyow] geedka hoostiisa, Eebbana waa ogaaday waxa quluubtooda ku sugan, wuxuuna ku dajiyay xasillooni, wuxuuna ku abaal marin fatxi [nasri] dhaw.
  2. Iyo qaniimooyin badan oy qaadan doonaan, Eebbana waa adkaade falsan.
  3. Eebbana wuxuu idiin yaboohay qaniimooyin badan ood qaadanaysaan, tanna wuu idiin hormariyay [waa qaniimadii Khaybar], wuuna idin ka reebay gacmaha dadka [gaalada] si ay ugu noqoto mu‘miniinta calaamo [runta Nabiga] idiinkuna hanuuniyo Jidka Toosan.
  4. Waxaa kale oo uu idiin dadajiyay qaniimo kale oydaan awooddeen, Eebbana wax walba waa karaa.
  5. Hadday idinla diriraan kuwa gaaloobay way carari [oy jabi] sokeeye iyo gargaarna heli maayaan.
  6. Saasna waa waddadii Eebbe ee u horreysay ummadihii tagay, wax baddali karana ma jiro.

 

Xaqa kuwa ku ballantama Eebbe waa ka raalli noqdaa, sida asxaabtii Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) markay kula ballantameen Xudaybiyya oo Makka u dhaw, wanaag iyo xasilloonina ku abaal-mariyay, ruuxii mu‘min ah oo laga helo saasna Eebbe wuxuu ku abaal-marin gargaar iyo nasri iyo qaniimooyin, maxaa yeelay isagaa awood leh, Eebbana waa u oofiyay ballankii mu‘miniinta oo waa kii magaalada Makka ee barakaysan u soo celiyay mu‘miniintii, waxaana Sunnada Eebbe kamid ah in dadka Xaqa ku toosan ee mu‘miniinta ah ay adkaadaan, waana xaq aan la baddali karin, waase kuwee kuwaas Eebbe u gargaari, waa kuwa dhab ahaan Xaqa u rumeeyay una raacay. Al-Fatx (18-23)

 

  1. Eebbe waa kan idin kala reebay [idinna kala ilaaliyay] gaaladii markaad Makka gudeheeda joogteen intuu idin makaniyay korkooda kaddib, Eebbana waa arkaa waxaad camal-falaysaan.
  2. Gaaladii Makkaad waa kuwii masaajidka xurmaysan idinka reebay iyadooy hadyadii darban tahay inay gaadho halkii lagu xalaalayn lahaa, haddaynan jirin rag iyo haween mu‘miniin ah [oo la nool] idinna aydaan ogayn markaad baabi’ineysaan ayna mashaqo idin haleesho [Eebbe waa idiin fasixi lahaa]. Si uu u galiyo naxariistiisa cidduu doono [yuu saas u yeelay], hadday mu‘miniintu ka soocmi lahaayeen gaalada wuxuu Eebbe caddibi lahaa gaalada caddibaad daran.
  3. Xusuusta marka Eebbe yeelay kuwii gaaloobay quluubtooda isla-wayni iyo cadho, sidii isla-waynidii iyo cadhadii jaahiliinta oo Eebbe ku dajiyay xasilloonidiisii Rasuulkiisa korkiisa iyo mu’miniinta, waafajiyayna kalimada dhawrsashada [Ashahaadada iyo ballan ku-sugnaanshaha], iyagaana ugu mudan kalimadaas ehelna u ah, Eebbana wax walba waa ogyahay.

 

Eebbaa awood leh, markuu doonana wuu kala baajiyaa dagaalka mu‘miniinta iyo gaalada, xikmo darteed, sidii uu ku falay Nabigii (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) iyo asxaabtiisii iyo gaaladii reer Makkaad ee ahaa kuwii ka celiyay inay Makka galaan, si ay u cumraystaan, Eebbe wuu dhawraa mu‘miniinta, wuuna u naxariistaa, isla-wayni iyo jaahilnimana wax ma tarto ee wanaag, Eebbe ka-yaabid, xasillooni iyo iimaan baa wax tara waana jidka mu‘miniinta. Al-Fatx (24-26)

 

  1. Eebbe waa u rumeeyay Rasuulka riyadiisii si dhab ah, ahaydna in mu’miniintu gali Masjidka Xurmaysan hadduu Eebbe doono, iyagoo aamin ah oo timaha xiiri ama gaabin [Xajka iyo Cumrada kadib] iyagoon cidna ka cabsanaynin, wuxuuna Eebbe ogyahay waxaydaan ogayn, markaasuu yeelay galitaanka Makka ka soke Fatxi [Xudaybiyya].
  2. Eebbe waa kan la diray Rasuulkiisa hanuun iyo diin xaq ah, si uu uga sare mariyo diimaha oo dhan, Eebbaana marag ku filan.
  3. Muxammad waa Rasuulkii Eebbe, kuwa la jirana waa ku daran yihiin gaalada, dhexdoodana way isu naxariistaan, waxaad arkaysaa iyagoo rukuucsan oo sujuudsan oo dalbi deeqda Eebbe iyo raalli-ahaanshihiisa, calaamadooduna wajigooday ka muuqataa sujuudda raadkeeda darteed, saasaana lagu tilmaamay Tawreed, tilmaantooda Injiilna waxay la mid yihiin beer soo bixisay fiidda oo xoogaysatay oo si fiican u is-taagtay la-yaabna galisay beertaha, si uu Eebbe ugu cadho-galiyo gaalada, Eebbe wuxuu u yaboohay kuwa Xaqa rumeeyay camal wanaagsanna falay oo mu’miniinta kamid ah dambi-dhaaf iyo ajri wayn.

 

Riyada Nabiyadu waa xaq, markuu Rasuulkuna arkay isaga iyo asxaabta oo dawaafi Kacbada haddana laga soo celiyay inuu Makka galo yaa dad waydiiyeen xaalkaas, markaasaa Eebbe caddeeyay inay xaq noqon, wayna rumowday ru‘yadii, Nabigii iyo asxaabtiina waa galeen iyagoo aamin ah, wayna dawaafeen sidii Eebbe ugu yaboohay. Tan kale waa in mu‘miniintu isu naxariistaan dhexdooda, waase inay ku darraadaan iskana celiyaan gaalada, sida Eebbe tilmaamay, Nabiguna wuxuu yidhi, “Mu‘miniinta is-jacaylkoodu iyo naxariistoodu waxay la mid tahay jidh kaliya oo hadduu qaar jirrado qaarka kale la xanuunsan lana soo jeedi.” Rasuulka Muxammad ah iyo asxaabtiisa Kutubihii hore waa lagu tilmaamay wanaaggooda iyo is-jacaylkooda iyo geesinnimadoodaba iyagoo lagu shabbahay beer soo kacaysa, ee waa in raadkoodii la raacaa wanaaggoodiina lagu daydaa. Al-Fatx (27-29)

 

Suurat al-Xujuraat

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, haku dagdagina Eebbe iyo Rasuulkiisa hortiisa [waxayan fasixin], Eebbana ka dhawrsada illeen wax walba wuu maqli wuuna ogyahaye.
  2. Kuwa Xaqa rumeeyow, haka kor-yeelina codkiinna codka Nabiga, hana kula jahrina [qayliyina] hadal sida qaarkiin qaar ugula jahro [qayliyo] si aan camalkiinnu u burin idinkoon ogayn.
  3. Kuwa codkooda hoos u dhiga Rasuulka agtiisa kuwaasi waa kuwo Eebbe imtixaanay quluubtooda dhawrsasho darteed, waxayna mudan yihiin dambi-dhaaf iyo ajri wayn.
  4. Kuwa kaaga dhawaaqi qolalka gadaashooda badankoodu wax ma kasayaan.
  5. Hadday samraan intaad ugasoo bixi yaa u khayr badnaan lahayda, Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.

 

Ruuxa mu‘minka xaqa ah waa inuu Eebbe u hoggaansamo iyo Rasuulkiisa, waxaan Eebbe iyo Rasuulkiisu bannaynna (xalaalaynin) lagu degdegin waana in si adab iyo xushmad ah loo qaddariyaa Nabiga, si fiicanna looga asluubsadaa Eebbe Qur’aankiisa iyo Nabiga qawlkiisa. Aayadahanna dhammaan waxay mu‘miniinta ku hanuunin waynaynta Eebbe iyo tixgalinta Nabiga iyo addeeciddooda, si loogu liibaano adduunka iyo Aakhiraba. Al-Xujuraat (1-5)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, hadduu idiin la yimaaddo faasiq war, hubsada, si aydaan dad u dhibin ogaansho la’aan, markaasna aad shallaydaan waxaad fasheen.
  2. Ogaadana in Rasuulkii Eebbe idin dhex joogo, hadduu idinku addeeco waxyaala badanna aad dhibboonaysaan, wuxuuse Eebbe idin la jeclaaday iimaan, una qurxiyay quluubtiinna, wuxuuna idinla nacay gaalnimo, faasiqnimo iyo caasinnimo, kuwaasina waa kuwa hanuunsan.
  3. Waa fadliga [siinta] Eebbe iyo naxariistiisa, Eebbana wax walba waa ogyahay, waana falsame.
  4. Hadday laba qolo oo mu‘miniinta ah dagaallamaan heshiisiiya dhexdooda, hadday midu ku xad-gudubto tan kale la dirira tan xad-gudubtay intay amarka Eebbe uga noqoto [xaqa aqoonsato], hadday u noqotana si caddaalad ah u wanaajiya dhexdooda una garsoora, Eebbe wuxuu jecel yahay kuwa garsooree.
  5. Mu‘miniintu waa uun walaala, ee wanaajiya walaalihiin dhexdooda, Eebbana ka dhawrsada, waxaad u dhawdihiin inuu idiin naxariistee.

 

Ruuxa mu‘minka ah waa inuusan maqlin ku-tidhi-kuteen iyo sheeko, si uusan dad kale meel ugaga dhicin, markaasna nidaamo iyo shallayto ugu dambayn, waase in wax la hubsadaa, Kitaabka Eebbe iyo Sunnada Nabigana la raaco, lana toosnaado oo xumaanta iyo gaalnimada laga fogaado, si mu‘min dhab ah loo noqdo, dadka mu‘miniinta ahna waa walaalo, waana inay is-jeclaadaan isna gargaaraan, siduu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo korkiis Eebbe ha yelee) yidhi, “Muslimku waa walaalka Muslimka, yuuna dulmiyin, yuunana dhiibin, cidda gardaranna la qabto wanaaganna mu‘miniinta dhexdooda la yeelo illeen waa walaalee.” Al-Xujuraat (6-10)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, yuuna yasin ragna rag [kale] waxay u dhawdahay inuu ka khayr badan yahaye, haweenna yayna haween yasin waxay u dhaw yihiin inay ka khayr badan yihiine, hana ceebeynina naftiinna, hana isugu dhawaaqina naanays xun, waxaa xun magaca faasiqnimada iimaan kadib, ciddaan tawbad keeninna waa daalimiin.
  2. Kuwa Xaqa rumeeyow, ka dhawrsada wax badan oo mala ah, maxaa yeelay malaha qaarkiis waa dambi, hana is-jaasuusina, qaarkiinna qaar yuusan xamanin, miyuu jecel yahay midkiinna inuu cuno hilibka walaalkiis oo mayd ah? Waad neceb tihiin arrintaa, Eebbana ka dhawrsada waa tawba-aqbale naxariistee.
  3. Dadow waxaan idinka abuurray lab iyo dhaddig, waxaana idinka yeellay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan, ruuxase ugu sharaf badan Eebbe agtiisa waa ka idiinku dhawrsasho badan, Eebbana wax walba waa ogyahay.

 

Aayadahani waa aayado la-yaab leh, oo mu‘miniinta ku toosin kuna hanuunin waddada wanaagsan, ugana digi jidka xun sida xaqiraadda yasidda, naanays xun isugu yeedhidda, is-ceebeynta, tuhunka, malaha badan, iyo is-jaasuusidda, dhammaan waxyaalahaasuna waa wax ku xun diinta Islaamka, ruuxa mu‘minka xaqa ahna waa inuu ka fogaadaa dhibka walaalihiisa Muslimka iyo xumayntiisa siduu Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), “Ruuxa Muslimka ah waa ka xaaraan Muslimka, xoolihiisa, sharaftiisa iyo dhiiggiisaba, waxaana shar ugu filan ruux inuu xaqiro walaalkiisa Muslimka ah.” Waxaa wariyay Abuu Daawuud iyo Tirmidi. Al-Xujuraat (11-13)

 

  1. Waxay dheheen reer-baadiyihii Carbeed “Waan rumaynay [Xaqa],” waxaad ku dhahdaa, “Maydaan rumaynin, laakiin dhaha waan hoggansannay, iimaankuna wali quluubtiinna ma galin, haddaadse adeecdaan Eebbe iyo Rasuulkiisa kama nusqaamiyo camalkiinna waxba, Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.”
  2. Kuwa mu‘miniinta ah waa kuwa uun rumeeyay Eebbe iyo Rasuulkiisa oon shakiyin, kuna jahaada xoolahooda iyo naftooda jidka Eebbe dartiis, kuwaasi waa kuwa runlowga ah.
  3. Waxaad dhahdaa, “Ma Eebbaad u sheegeysaan diintiinna isagoo og waxa samaawaadka iyo dhulkaba ku sugan?” Eebbana wax walba waa ogyahay.
  4. Waxay kugu mannaysan inay islaameen, waxaad dhahdaa, “Haygu mannaysanina Islaamkiinna Eebbaa manna idinku leh inuu idinku hanuuniyay iimaanka haddaad run sheegeysaan.”
  5. Eebbe waa ogyahay waxa samaawaadka ku maqan iyo dhulkaba, Eebbana waa arkaa waxaad camal falaysaan.

 

Xaq-rumaynta iyo Eebbe-aqoontu ma aha wax ruux walba iska sheegan, ee waxay u baahan tahay camal-fal iyo iimaan dhab ah, waana inaan la noqonin kuwo daahirka ka Muslim ah hoostana aan iimaanku qalbigooda galin, sida kuwa aayaddu sheegeyso. Mu’minka runta ah waa ka Xaqa si dhab ah u rumeeyay shakina galin, xoolihiisa iyo naftiisana Jidka Eebbe ugu jihaada, cid walbana Eebbe waa ogyahay wuxuu yahay umana baahna in looga warramo, illeen isagaa wax walba oge, Islaamnimadana cidna haku mannaysan adaaba Eebbe kuu sama-falaye markuu kugu hanuuniyay Jidka Toosan, isagaana manno kugu leh. Siduu Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), “Ansaarey miyaanan idin helin idinkoo baadi ah oo Eebbe igu kiin hanuuniyay iyo idinkoo kala tagsan oo Eebbe igu kiin kulmiyay, ood caydh ahaydeen oo Eebbe igu kiin hodmiyay?” Markuu hadal dhahaba waxay dhahayeen, “Eebbe iyo Rasuulkiisa yaa manno leh.” Al-Xujuraat (14-18)

 

Suurat Qaaf

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Qaaf. [Eebbe wuxuu ku dhaartay] Qur’aanka sharafta leh [in dadka lasoo bixin].
  2. Waxayse la yaabeen inuu u yimid dige kamid ah oy markaas dheheen gaaladii, “Kan waa wax la-yaab leh.”
  3. “Ma markaan dhimanno oon carro noqonno yaa nala soo celin, taas waa soo-celin fog.”
  4. Waan ognahay waxa dhulku ka cunay jidhkooda, agtannadana waxaa yaallaa Kitaab koobay wax walba, oo ilaashan.
  5. Waxaybase beeniyeen Xaqii markuu u yimid, waxayna ku sugan yihiin xaal qasan.
  6. Miyayna eegin samada korkooda ah sidaan u dhisnay una qurxinay ayna duleella u lahayn?
  7. Dhulkana waan waasicinnay waxaana ku sugnay buuro, waxaana kasoo bixinnay dhexdiisa nooc kasta oo quruxsan.
  8. Inay aragti iyo waano u noqoto ruux kasta oo addoon Eebbe oo tawbad-keen badan ah.

 

Suuraddani waa suurad la-yaab leh oo kulmisay abuuridda khalqiga, soo-bixinta, xisaabta, Jannada, Naarta, wanaag-marinta, ciqaaabta rajo-galinta iyo cabsi-galintaba. Eebbana wuxuu Qur’aanka ugu dhaartay in waxa suuraddu sheegeyso xaq yahay, Eebbana wax kama cajiso, soo-bixinta dadka iyo kulminta xubnohoodiina awood buu u leeyahay, maxaa yeelay wax walba waa ogyahay, waana kan inoogu nimceeyay cirka korkeenna ah ee quruxda badan iyo dhulka uu inoo waasiciyay ee aan ku dul noollahay wax kasta oo wanaagsanna inooga soo bixiyay, si ay waano, Eebbe-aqoonsi iyo tawbad-keen innoogu noqoto, waana arrin Eebbe lugu mahadiyaa. Qaaf (1-8)

 

  1. Waxaan kasoo dajinnay samada biyo barakaysan oon kusoo bixinnay beero iyo midho la goosta
  2. Iyo timir dheer oo fidsan oo leh fiido wax kasoo dhashaan oo is dul saaran.
  3. Si addoommada Eebbe loogu irsaaqo, biyahaana waxaan ku noolaynay magaalo dhimatay, saasayna soo-bixintu tahay.
  4. Kuwa Reer Makkaad hortooda waxaa Xaqii beeniyay qawmkii [Nabi] Nuux iyo Rassi dadkeedii iyo Thamuud.
  5. Iyo Reer Caad iyo Fircoon iyo [Nabi] Luud walaalihiis [qawmkiisii].
  6. Iyo kayntii dadkeedii [Nabi Shucayb qawmkiisii] iyo qawmkii Tubbac, dhammaantood waxay beeniyeen Rasuulladii, waxaana ku dhacay wixii Eebbe ugu gooddiyay [ciqaabtii].
  7. Ma waxaan ka noognay abuuriddii hore? Waxayse shakisan yihiin abuuridda cusub [soo-bixinta].

 

Ilaaheen nicmadiisu waa badan tahay, waxaana kamid ah roobka uu kusoo bixiyo cunnada kala duwan, si khalqiga Eebbe ugu noolaadaan, una nooleeyo magaalo abaarowday oo dhimatay, si ay daliil ugu noqoto dadka soo-bixinta Qiyaame, maxaa yeelay kama darra abuuriddii hore siduu Eebbe ku yidhi hadalkiisa Qudsiga ah, “Waxay dhihi banii-Aadamku ‘Iima soo celinayo Eebbe siduu igu billaabay.’ Abuurka horana iigama fududa soo celinta.” Xaq-diidayaashu ma aha wax cusub iyo wax ku gaar ah kuwii Nabiga beeniyay, ee waxaa Nabiyadoodii iyo Rasuulladoodii beeniyay gaalo badan oo hore, waxaase ku dhacday halaag, waxaana dhulkii u hadhay Xaqii Eebbe ee Nabiyadu u yeedhayeen. Qaaf (9-15)

 

  1. Dhab ahaan yaan u abuurray insaanka [dadka] waana ognahay waxay naftiisu ku waswaasin Annagaana uga dhaw xididka dhuunta.
  2. Markay kulmi malaa’igta ilaalinaysa oo midigta iyo bidixda ka fadhida.
  3. Wax kastoo lugu hadlo waxaa la jooga Raqiib iyo Catiid [oo qori].
  4. Waxaa u yimid sakaraadkii geerida si dhab ah waana taas geeridaad ka cararaysay.
  5. Suurkii [Qiyaamana] waa la afuufi waana maalin laysu yaboohay [oo sugan].
  6. Naf walba way iman iyadoo malag hoggaamin midna ku marag furi.
  7. Waxaana loo odhan waad halmaansanaydeen arriintan [Qiyaamada] waxaana kaa faydnay daboolkii araggaaguna maanta waa xoog badan yahay.
  8. Malaggii la xidhiidhayna wuxuu dhihi, “Waa kan waana darban yahay, [kii lay xilsaaray].”
  9. Markaasaa lugu dhihi, “Ku tuura Naarta Jahannamo gaalnimo-badane madax-adag dhammaantiis.”
  10. “Oo khayrka reebid-badan gardarraalowna ah, shakkilowna ah.”
  11. “Ee Eebbe miciisa ilaah kale yeelay, ku tuura caddibaad daran.”

 

Dadka Eebbaa abuuray, malaa’igna wuu u diray wax kastoo la camal-falana way qoraysaa Eebbana waa ogyahay, dadkana waxaa ka dambeeya sakaraadka geerida, suurka Qiyaamaha iyo xisaab, saa darteed waa in loo darbadaa siduu Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebba ha yeelee), “Seed u raaxaysan isagoo malaggii suurka afka uu saaray wajigana uu leexiyay uuna sugi in la idmo?” Markaasay dheheen, “Rasuulkii Eebbow seen dhahnaa?” Markaasuu yidhi, “Dhaha: Eebbaa Kaafiyahannaga ah Wakiilna isagaa u wanaagsan.” Qaaf (16-26)

 

  1. Saaxiibkiisii [shaydaankiisii] wuxuu dhihi, “Eebbow anigu ma dhuminnin laakiin isagaa baadi fog ku sugnaa.”
  2. Eebbe wuxuu dhihi, “Haku murmina agtayda waan idiin hormariyay gooddigii.”
  3. “Hadalla agtayda laguma baddalo, mana dulmiyo addoomada.”
  4. Xusuusta maalinta u dhahayno Naarta Jahannama, “Ma buuxsantay?” oo markaa ay dhihi, “Wax mala ii siyaadin?”
  5. Jannadiina loo soo dhaweeyo kuwii dhawrsaday iyadoon ka fogayn.
  6. Waxaasina waa wixii loo yaboohay ruux kasta oo tawbad-keen badan oo dhawrid badan [ballaanka].
  7. Ruuxii Eebbaha Raxmaan ah ka yaaba isagoon arkaynin, oo la yimaada qalbi tawbad-keen badan.
  8. Waxaa lugu dhihi, “Ku gala Jannada nabadgalyo, waana maalintii waariddee.”
  9. Jannada waxay ka heli waxay doonaan, agtannadana waxaa ah siyaado.
  10. Imisa qarniyaan halaagnay Reer Makkaad ka hor oo kana xoog badan iyagoo dhulka ku gadgaddoomay? Meel Eebbe looga cararana ma jirto.
  11. Waxaasina waa waanada ruuxii qalbi leh ama wax dhagaysan isagoo qalbigiisu joogo.

 

Saaxiibka xun wuu ku luggooyn, wuuna ku dhumin, marka dhib kugu dhacana wuu kaa tagi kaana carari sida Shaydaanka, Eebbana wax walba waa ogyahay muranna agtiisa ma yaallo, maxaa yeelay horuuba wax walba u caddeeyay cidnana ma dulmiyo, Naarta Jahannamana (Eebbe hanaga koriyee) waxay codsan in loo kordhiyo ehelkeeda, Jannadana waxaa loo soo dhaweyn kuwii Eebbohood dhabnimo uga yaabay, xumaantana ka dhawrsaday, ruuxii Eebbe-aqoon ah, tawbadna keena waxaa lagu abaal marin Janno wax walba uu ka heli. ee waa in lagu waana-qaato ummadihii hore iyo waxay ku dambeeyeen, xumaantana laga fogaado illeen Eebbe wax ka fakan kara ma jiree. Qaaf (27-37)

 

  1. Dhab ahaan annagaa samaawaadka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya ku abuurray lix maalmood, wax daal ahna nama taabanin.
  2. Ku-samir [Nabiyow] waxay sheegayaan, Eebbana u tasbiixso adigoo ku mahadin qorrax soo-bax ka hor iyo dhicidda ka hor.
  3. Habeenkana qaar u tasbiixso iyo sujuudda dabadeed.
  4. Dhagayso maalinta uu ka dhawaaqi mid dhawaaqa meel dhaw.
  5. Waa ay maqli qaylada oo dhab ah, waana maalinta soo-bixidda.
  6. Annagaa waxna noolaynna waxna dilla, xaggannagaana loo soo ahaan.
  7. Maalinta dhulku ka dillaaci iyagoo dagdagi, taasina waa soo kulmin noo fudud.
  8. Annagaa og waxay dhihi, aduguna ma tihid mid xoogi korkooda, ee ku waani Qur’aanka ruuxii Eebbe waciidkiisa [gooddigiisa] ka yaabi.

 

Cirka iyo dhulka iyo waxa khalqi ah ee ku dhex-noolba Eebbaa abuuray, wax daaliyana ma jiro, waxaase loo baahan yahay ku-xidhnida Eebbe adkaysi iyo cibaadadiisa oo la badiyo habeen iyo dharaarba, maxaa yeelay waxaa imaan maalin dadka la kulmin oo qayla daran ka kor-dhawaaqi, qubuurahana ay si dagdag ah ugasoo bixi, Nabiguna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Anaa ugu horrayn ruux dhulku ka dillaaco.” Waxaa wariyay Muslim. Eebbaana wax nooleeya waxna dila, dadkuna isagay u ahaan, wax walbana waa u fudud yahay, waase in dadka la waaniyo si quruxsanna wax loogu sheego, illeen xoog wax kuma hanuunee, hallawna wax ma taree. Qaaf (38-45)

 

Suurat ad-Daariyaat

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Eebbe wuxuu ku dhaartay dabaysha [carrada kicisa].
  2. Iyo daruurta xambaarta culayska [roobka].
  3. Iyo doonnida sida fudud u socota.
  4. Iyo malaa’igta amarka qaybisa.
  5. Ee dadow waxa laydiinku goodin waa run.
  6. Abaalmarintuna waa sugan tahay.
  7. Samada yuu Eebbe ku dhaartay ee quruxda iyo waddooyinka leh.
  8. Ee dadow waxaad ku sugan tihiin hadal is-khilaafsan.
  9. Iimaankana waxaa laga iilaa ruux dhumay.
  10. Waxaana la nacladay beenaalayaasha.
  11. Ee ah kuwa xumaantooda [baadinimadooda] ku dhex hilmaansan.
  12. Waxay waydiin goorta abaal-marinta [Qiyaamada].
  13. Waana maalinta Naarta lagu gubi.
  14. Laguna dhihi dhadhamiya caddibaaddii aad dadajisanayseen.

 

Sida aayado badan sheegeen Eebbe wuxuu ku dhaartaa wax badan oo khalqigiisa kamid ah, xaqna wuu u leeyahay, waxayna ku tusin adkaynta waxa la sheegi, sida Qiyaamada, xisaabta iyo abaal-marinta. Jidka Toosanna waxaa ka leexda kuwa Xaqa isu diida ee beenaalayaasha ah xumaantana dhex dabaasha, Qiyaamada iyo soo-bixintana si xun u waydiiya, waxaase lagu abaal-marin Naar daran, saas daraaddeed waxaa waajib ah in Jidka Toosan la qaado ee Jannada aadaya, jidka xunna laga leexdo ee Jahannama u baxa. Ad-Daariyaat (1-14)

 

  1. Kuwa dhawrsaday waxay ku sugnaan Jannooyin iyo ilo.
  2. Iyagoo qaadan waxa Eebbe siiyay, maxaa yeelay waxay ahaayeen horay kuwo wanaag fala.
  3. Waxayna ahaayeen kuwo wax yar habeenkii seexda.
  4. Waagana way dambi-dhaaf waydiisanayeen.
  5. Xoolohoodana xaq bay ku leeyihiin kuwa waydiista iyo ka dhibaataysan.
  6. Dhulkana waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax yaqiinin.
  7. Naftiinna miyaydaan arkaynin [waana-qaadasho].
  8. Samada yuuna jiraa rizqigiinnu iyo waxa laydiin yaboohi.
  9. Eebbaha cirka iyo dhulka yaan ku dhaarannaye waxa Qur’aanku sheegi waa sugan yahay sida hadalkiinna oo kale.

 

Sama-fale Eebbe wuxuu ku abaal-mariyaa wanaag iyo Janno, waxaana kamid ah kuwa habeenkii cibaadaysta dadkoo hurda, siduu Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Dadow wax quudiya, qaraabadana xidhiidhiya, salaantana faafiya, habeenkiina tukada dadkoo hurda Jannada aad ku gasheen nabadgalyee.” Iyo kuwa aroorta Eebbe dambi-dhaaf warsada, xoolohoodana xaq ka bixiya, kuna waana-qaata dhulka iyo naftoodaba, sida oo kale cirka siduu Eebbe u habeeyay. Saa daraaddeed waa in Eebbe laga yaabo wuxuu ballan-qaadayna la rumeeyo illeen waa dhab sida hadalkoodee. Ad-Daariyaat (15-23)

 

  1. Ma kusoo gaadhay warkii martidii [Nabi] Ibraahiim ee sharafta lahayd.
  2. Markay salaameenna, isna uu salaantii ka celiyey kuna yidhi, “Waxaad tihiin kuwo aan la aqoonnin.”
  3. Markaasu aaday ehelkiisii lana yimid dibi shilis [una gawracay].
  4. Una soo dhaweeyay isagoo ku leh maxaad u cuni waydeen.
  5. Wuxuuna naftiisa ka kasay cabsi xaggooda ah, waxayna ku dheheen, “Ha cabsanin,” waxayna ugu bishaareeyeen wiil cilmi yeelan.
  6. Markaasay soo qaabishay haweenaydiisii iyadoo ku qayliyi wajigana garaaci, “Ma habar ma-dhalays ah [yaa wax dhali]?”
  7. Waxayna ku dheheen, “Xaalku waa saas, Eebbahaaga falka san ee wax walba og yaa yidhi.”
  8. [Nabi Ibraahiim] wuxuu ku yidhi, “Xaalkiinnu see yahay kuwayohow lasoo diray?”
  9. Waxayna dheheen, “Waxaa naloo soo diray qawm dambiilayaal ah.”
  10. “Si aan ugu soo dirro korkooda dhagaxyo dhoobo [kulul].”
  11. Oo Eebbe agtiisa loogu calaameeyay kuwa xad-gudbay.
  12. Markaasaan ka bixinnay kuwii mu‘miniinta ahaa oo ku dhex jiray.
  13. Kamana aannaan helin waxaan hal guri oo Muslim ah ahayn.
  14. Waxaana kaga tagnay dhexdeeda calaamad [ay ku waana qaataan] kuwa ka cabsan caddibaad daran.

 

Qisada Nabi Ibraahiim iyo martidiisa waxay kaloo kusoo aroortay suuradda Huud iyo ***alxur, marti-soorka iyo is-xurmayntuna waa dabeecad wanaagsan oo Diinta Islaamku farayso sida qisadana ka muuqata. waxaa kale oo aayaduhu caddeeyeen in Eebbe awooddiisu baaxad-wayn tahay, oo cid duq ah iyo midaan dhali jirinba carruur ka beero, taasina waa naxariista Eebbe iyo deeqdiisa. Tan kale waa in Eebbe la aqoonsado laguna waana qaato tusaalooyinkiisa si uu inooga nabadgaliyo caddibaad daran. Ad- Daariyaat (24-37)

 

  1. [Nabi] Muusana calaamo lagu waana qaatuu ahaa markaan u dirray Fircoon isagoo wata xujo cad.
  2. Wuuna jeedsaday isagoo la jira colkiisii, wuxuuna ku yidhi, “Waa saaxir ama waa waalan yahay.”
  3. Markaasaan qabannay [ciqaabnay] isaga iyo askartiisiiba, waxaana ku tuurray badda isagoo la dagaalay.
  4. Reer Caadna [calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan] markaan ku dirray dabayl wax halaagta.
  5. Wax kasta oy martana ka dhigi wax tirtiran.
  6. Reer Thamuudna [calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan] markii lagu yidhi, “Raaxaysta ilaa waqti.”
  7. Waxayna iska kibriyeen amarkii Eebbe, waxaana qabtay qaylo daran iyagoo eegi.
  8. Mana ayna karin kicid, isumana ayna gargaarin.
  9. [Nabi] Nuux qawmkiisiina waa horreeyeen, waxayna ahaayeen kuwo faasiqiin ah.

 

Aayadahani waxay ka qisoon ummadihii hore ee beeniyay Nabiyadoodii iyo Rasuulladoodii iyo sida Eebbe u halligay markay Xaqa diideen, waana wax lagu waana qaato lagana fogaado camalkoodii oo kale. Waxay kaloo aayaduhu caddayn in la ciqaabi dulmiile oo dhan, sida loo ciqaabay Fircoon iyo wixii la mid ahaa. Waxaase taas u sii dheer caddibaaddii Aakhiro ee wayneyd. Ad-Daariyaat (38-46)

 

  1. Samada annagaa u dhisnay si xoog ah, waana waasicinnay.
  2. Dhulkana waan gogolnay cid wax gogoshana annagaa u fiican [Eebbe].
  3. Wax walbana waxaan ka abuurray laba nooc, si aad ugu waana qaadataan.
  4. Ee Eebbe u carara [tawbad keena], waxaana idiin ahay dige cad [muuqda].
  5. Hana yeelina Eebbe miciisa ilaah kale, waxaan idiin ahay dige cad.
  6. Xaalku waa saas, gaaladii Reer Makkaad ka horreysayna mar kastoo Rasuul u yimaado waxay dhihi jireen, “Waa saaxir ama waa waalan yahay.”
  7. Miyay isu dardaarmeen arrintaas, waase qawm xad-gudbay.
  8. Ee Nabiyow iskaga jeedso xaggooda, ma tihid mid la dagaaliye [Eebbe agtiisa].
  9. Ee wax waani, waanaduna waxay anfici mu‘miniintee.

 

Cirka iyo dhulkuba waxay ku ahaadeen amarka Eebbe, isagaana abuurkooda hagaajiyay, wax walbana Eebbe wuxuu ka abuuray lammaane [lab iyo dhaddig] sida uu u abuuray laba kala gaddisan, bad iyo barri, macaan iyo khadhaadh, habeen iyo dharaar, lab iyo dhaddig iyo wixii la mid ah, wuxuuna u abuuray inuu ku intifaaco dadku, kuna waana qaato darteed, oo ay Eebbe xaggiisa u jeedsadaan, taasoo ah daacaddiisa, iyo in isagoo kaliya la caabudo lagana fogaado falkii iyo hadalkii xumaa; ee kuwii hore ee xumaa. Ad-Daariyaat (47-55)

 

  1. Jinni iyo insi waxaan cibaadadayda ahayn uma abuurin.
  2. Kamana doonaayo rizqi, iyo inay i quudiyaan.
  3. Illeen Eebbe un baa ah arzuqe xoog badane.
  4. Kuwii dulmilowga ahaa waxaa u sugnaaday qayb [ciqaab ah] oo la mid ah tii saaxiibbadoodii [ka horreeyey] ee ha dadajisanin.
  5. Halaag wuxuu u sugnaaday kuwii gaaloobay maalintoodii [Qiyaame] ee loogu yaboohay.

 

Aayadahan waxay caddayn in Eebbe u abuuray addoomadiisa inay caabudaan kaliya, ee uusan uga baahnayn wanaag iyo quud midna, cibaadaduna waa sida ashahaadada, salaadda, zakada, soonka, Xajka, Jahaadka, ammaanada, runta, deeqsinnimada iyo ku-dhaqanka siday diintu farayso liibaanna lagu gaadho. Aakharo iyo adduunba. Eebbana wuxuu ku yidhi hadalkiisii quduska ahaa, “Ibnu Aadamow cibaadadayda u kali-noqo laabtaada aan ka buuxiyo hodontinnimee, faqrigana aan kaa awdee. Haddaadan sidaa falin laabtaada waxaan ka buuxin shuqul, faqrigana kaa awdi mayo.” Waxaa wariyay Imaamu Axmad, Tirmidi iyo Ibnu Maajah. Waana in la ogaado in dulmilowgu uu mari waddadii kuwii ka horreeyay ee daalimiinta ahaa, halaag iyo balaayana waxay u sugnaan maalinta Qiyaame gaalo. Ad-Daariyaat (56-60)

 

Suurat ad-Duur

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. [Eebbe wuxuu ku dhaartay] Duur Saynaa.
  2. Iyo Kitaabka la dhigay,
  3. Oo ku qoran warqado la fidiyay.
  4. Iyo gurigii cammirnaa [Beytul Macmuur].
  5. Iyo saanqaafka la kor yeelay [cirka].
  6. Iyo baddii la kululeeyay.
  7. Ee caddibaadda Eebbe waa wax dhici [sugan]
  8. Wax celinna ma jiro.
  9. Waxay dhici caddibaaddaas maalinta samadu wareegi.
  10. Buuruhuna socon.
  11. Halaagna waxaa iska leh maalintaas kuwa Xaqa beeniyay.
  12. Ee ah kuwa tiimbashada xumaanta ku dhex ciyaari.
  13. Maalinta Naarta xoog loogu tuurina [waxaa lagu dhihi]
  14. “Waatan Naartii aad beenin jirteen.”
  15. “Ma sixir baa, mase wax baydaan arkayn.”
  16. “Gala, ama samra ama ha samrinee, waa isugu kiin mid, waxaa uun laydinka abaal-marin waxaad camal-falayseen.”

 

Eebbe wuxuu ku dhaaran makhluuqaadkiisa ku tusin qudradiisa, sida Buurta Duuri Saynaa, Kitaabka la dhawray, Qur’aanka, Beytul Macmuur, cirka, dhulka, badda iyo wixii la mid ah, intaas oo dhanna waxaa lagu xoojin in ciqaabta Eebbe oo xumaanlowga u darbay sugan tahay, wax reebina uusan jirin, maalinta Qiyaamana Xaq-diidayaasha lagu abaal-marin ciqaab daran, maxaa yeelay waxay ku madax-adkaadeen oo dabbaasheen wabigii xumaanta, Eebbana ma dulmiyine iyagaa is-dulmiyay. Ad-Duur (1-16)

 

  1. Kuwa Eebbe ka dhawrsaday waxay gali Jannooyin iyo nicmo.
  2. Iyaga oo ku raaxaysan waxa Eebbe siiyay, Eebbohoodna wuxuu ka dhawray caddibaadda Jaxiiimo.
  3. [Waxaana lagu dhihi] “Cuna oo cabba idinkoo shifaysan camalkiinnii dartiis.”
  4. “Idinkoo ku dangiiga sariiro la safay,” waxaanna [Eebbe] u guurin haween Janno [xuural-cayn].
  5. Kuwa Xaqa rumeeyay ee carruurtooduna iimaanka ku raacday waxaannu haleeshiin carruurtooda [darajada iyo naxariista], camalkoodana waxba kama nusqaaminayno, ruux walbana wuxuu kasbaday yuu u rahmanaan [u xidhnaani].
  6. Waxaannu u badinnay faakiho iyo hilib oo ah waxay jecel yihiin.
  7. Waxayna isku siin Jannada dhexdeeda [iyagoo sheekeysan] weel [macaan] ka buuxo, oon hadal xun iyo dambi midna lahayn.
  8. Waxaana u adeegi wiilal aad mooddo jawhar la dhawray.

 

Kuwa Eebba caabuda xumaantana ka dhawrsada wuxuu Eebbe ku abaal-marin Janno iyo wanaag, iyaga iyo carruurtoodii Xaqa rumeeyayba, siduu ka wariyay Dabaraani Ibna Cabbaas, ‘Wuxuu yidhi waxaan u malayn Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) inuu yidhi, “Marka ruuxu Jannada galo yuu warsadaa labadiisii waalid iyo haweenaydiisii iyo carruurtiisii, markaasaa la dhihi, ‘Ma ayan gaadhin darajadaada,’ markaasuu dhihi, ‘Eebbow waxaan u camal-falay naftayda iyo tooda,’ markaasaa la fari in la haleeshiiyo.”’ Camal cid fashayna lagama nusqaamiyo, waxay ehlu-Jannuhu doonaanna waxay ka heli dhexdeeda, muran, hadal xun iyo dambina ma yaallo Jannada dhexdeeda, ee waa uun wanaag, nicmo iyo raaxo. Ad-Duur (17-24)

 

  1. Qaarkood [ehlu-Jannaha] yaa qaarka kale qaabila iyagoo wax is-waydiin.
  2. Waxayna isu dheheen, “Waxaan ahayn horay [adduunkii] kuwo ehelkoodii dhexdiisa ku cabsada.”
  3. “Eebbaase nagu mannaystay [dambi-dhaaf], wuxuuna naga dhawray caddibaadda Samuumka [Jahannama].”
  4. “Waxaan ahayn horay kuwo barya Eebbe, Ilaahayna waa Baarri naxariista.”
  5. Ee waani [Nabiyow dadka], nicmada darteed ma tihid wax sheege iyo waalane midnee.
  6. Mise waxay dhihi waa gabayaa ee aan la sugno geerida.
  7. Waxaad dhahdaa suga anna waan idin la sugiye.
  8. Mise caqligooda [xun] yaa saas faray, ma aha ee waa qawm xad-gudbay.
  9. Mise waxay dhihi isagaa abuurtay [Qur’aanka] waxba ma ayan rumeynin.
  10. Hala yimaadeen hadal la mid ah hadday run sheegi.

 

Ehlu-Jannaha Eebbaa u nicmeeyay, waxayna ku kulmi Jannada dhexdeeda iyagoo is-warsan dhibaatadii adduunka iyo say Eebbe uga cabsan jireen iyo siduu ugu naxariistay wanaagna ugu mannaystay, maxaa yeelay Ilaahay waa sama-fale, tan kale Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) waa raxmad Eebbe soo diray, jirro, waalli, iyo wax xumaan ahna ma qabo, Qur’aankuna waa Kalaamkii Eebbe, haddii kale ha keeneen gaaladu iyo beenaalayaashu wax hadalkii la mid ah ama kusoo dhaw, lagama yaabo taasna waligeed. Ad-Duur (25-34)

 

  1. Mise waxaa la abuuray abuure la‘aan, mise iyagaa abuuray [naftooda]?
  2. Mise iyagaa samaawaadka iyo dhulka abuuray? Saas ma aha ee wax ma ayan yaqiininin.
  3. Mise agtoodaa khayraadka Eebbe yaallaa, mise iyagaa xisaabin dadka?
  4. Mise waxay leeyihiin sallaan ay wax ku dhageystaan? Hala yimaado kooda wax dhagaystay xujo cad.
  5. Mise Eebbaa gabdho u sugnaaday idinkana wiilal?
  6. Mise waxaad warsan [Nabiyow] ujuuro, oo markaas ku cuslaatay?
  7. Mise waxa maqan baa agtooda ah oo ay qoraan?
  8. Mise ilaah Eebbe kasoo hadhay leeyihiin? Eebbaa ka fog waxay la wadaajiyeen [ilaahnimada].
  9. Mise dhagar bay rabaan? Kuwa gaaloobay iyagaa dhakran.

 

Aayadahan waxay waran dilaa ah ku yihiin dhuunta gaalada, mulxidiinta ah iyo diin-laawayaasha diidi oo inkiri Ilaaheenna wayn ee sharafta leh ee abuuray caalamka iyo wax kasta, kuwaas doqommada ah ee isla-waynida ku darsaday waxay inkiri Ilaaheen iyo abuurkiisa, aayaduhuna waxay la hadli ciddii wax yar oo fikir ah ama caqli ah ku jirto, maxaa yeelay khalqiga, dad leh, cir leh, ee dhul leh, ee bad leh, ee xiddigo leh, ee xayawaan leh, waxayna ka baxsanayn saddex xaalo midkood: Inay iska abuurmeen khaaliq abuuray la‘aan, inay iyagu is-abuureen naftooda, iyo in cid kale abuurtay oo ahaysiisay. Tan hore iyo tan labaadba waa wax-kama-jiraan, cid is-abuurtayna ma jirto, mid iska abuurantayna ma jirto, wixii wax-garad ahna ama caqli lehna saasuu rumaynsan yahay, waxaa soo hadhay tan saddexaad oo ah in cid wax abuurtay jirto oo makhluuqaadka ka duwan, waana arrin dhab ah waana Ilaaheenna caalamka ahaysiiyay xaggiisana u ahaan, awoodna ku dhammaato, mu‘miniintuna ay rumaysan yihiin wanaagna ku abaal-marin. Bukhaari iyo Muslim waxay ka wariyeen Jubayr binu Mudcim inuu yidhi, “Waxaan maqlay Nabiga oo Maqrib akhrin Suuradda Duur, markuu gaadhay aayaddan, ‘Mise waxaa la abuuray abuure la‘aan,’ qalbigaygu wuxuu u dhawaaday inuu duulo.” Ad-Duur (35-43)

 

  1. Hadday arkaan goosin kamid ah samada oo soo dhacaysa waxay odhan waa daruuro is dul saaran [madax-adayg dartiis].
  2. Ee iskaga tag [Nabiyow] intay kala kulmaan maalinta dhexdeeda lagu halaagi doono.
  3. Maalinta ayan dhagartoodu wax u taraynin wax u gargaarana uusan jirin.
  4. Kuwa xad-gudbay waxaa u sugnaaday caddibaad ka sokaysa [Qiyaamada], laakiin badankoodu ma oga.
  5. Ee ku samir xukunka Eebbahaa [Nabiyow] annagaa ku ilaalinaynee, kuna tasbiixso oo ku mahadi Eebbahaa markaad kici.
  6. Habeenka qaarkiisna tuko, iyo marka xiddiguhu jeedsadaan.

 

Madax-adayggu gaalo wax u tari mahayo marka ciqaabta Eebbe timaaddo, khiyaamo, dhagar iyo xumaanna Eebbe wax kama dhibto, ee waxay wax yeeli cidda la timid uun, adduunkana Eebbe waa karaa inuu ku ciqaabo xumaanlowga (sida dhacda in badan). Aakhirana waa u dheer tahay ciqaabteedii, waxaase Eebbe Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) faray ummaddiisuna waa la mide inuusan u walbahaarin xumaanlowga ee uu Xaqa tusaa, kuna samraa, kaddibna wax kama dhibayso ciddii dhunta, maxaa yeelay Eebbaa awoodda leh, waana in tasbiixda Eebbe, mahaddiisa, salaadda iyo ka-yaabiddiisana la badiyo si kastoo la yahayba. Ad-Duur (44-49)

 

Suurat An-Najm

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Wuxuu ku dhaartay [Eebbe] xiddiggu markuu hoobto.
  2. Ee saaxiibkiin [Nabigu] ma dhumin, Xaqana kama leexan.
  3. Kumana hadlo hawadiisa.
  4. Qur’aankuna waxaan waxyi Eebbe ahayn ma aha.
  5. Waxaana wax baray [oo xagga Eebbe kasoo gaadhsiiyay] ku xoog wayn [Malaku Jibriil].
  6. Ee caafimaad iyo quwaba leh, abuuriddiisuna egtahay.
  7. Wuxuu joogay jihadii sare [Jibriil].
  8. Kaddibna u soo dhawaaday kuna soo hoobtay [Nabiga].
  9. Intuu uga jirsado qaanso [xadhiggeed] ama ka dhaw.
  10. Wuxuuna Eebbe u waxyooday addoonkiisa [Nabiga] wuxuu u waxyooday.

 

Eebbe wuxuu ku dhaartaa wuxuu doono oo khalqigiisa kamid ah, addoomadiisuna kuma dhaartaan waxaan isaga ahayn, siduu sheegay Sheekh Shacbi. Eebbana wuxuu halkan ku dhaartay xiddiggu markuu hooban, in Nabigu toosan yahay, xaqna ku hadlo wuxuu sheegina uu yahay wax Eebbe kusoo dajiyay uguna soo dhiibay Malaku Jibriil, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) had iyo jeer marka waxyi soo dagi wuxuu la kulmi jiray Malaku Jibriil, taasina waxay tummaato ku tahay gaalada iyo Xaq-diidayaasha diidi xaqnimada Qur’aanka. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) wuxuu yidhi, “Anugu kuma hadlo waxaan xaq ahayn.” Waxaa wariyay Imaam Axmad binu Xanbal. An-Najm (1-10)

 

  1. Qalbiguna ma beeniyo wuxuu arkay [Nabigu].
  2. Ee ma idinkaa ka murmi [kana doodi] wuxuu arkay?
  3. Dhabnimuu Nabigu u arkay Jibriil mar kale.
  4. Sidratul-Muntahaa agteeda.
  5. Agteedana waxaa ah Jannatul Ma’waa.
  6. [Wuxuu arkay] waqtiguu daboolayay Sidrada wax daboola.
  7. Aragguna kama iilan wuxuu arkay [Nabigu] mana xad-gudbin.
  8. Dhabnimo yuuna u arkay [Nabigu] aayado Eebbe oo waawayn.
  9. Ka warrama [sanamyada] Laata iyo Cuzzaa.
  10. Iyo Manaatadii saddexaad ee kale.
  11. Idinku ma waxaad leedihiin lab Eebbana dhaddigga?
  12. Taasi waa qayb dulan ah.
  13. Sanammaduna magacyo aad magacowdeen idinka iyo aabbayawgiin mooyeen wax kale ma aha, wax xuja ahna Eebbe uma soo dajinin, waxaan mala ahaynna ma raacayaan iyo waxa naftoodu doonto, xagga Eebbana waxaa uga yimid hanuun.

 

Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) wuxuu arkay Malaku Jibriil oo soo gaadhsiinayay waxyiga Eebbe marar badan, (sidaan horayba usoo sheegnay) shakina kuma jiro siduu Nabigu Jibriil u arkay, sidaa oo kale wuxuu arkay Nabigu aayadi waawayn oo Eebbe, maxayse sanamyo ama wax ha garteen ama yay wax garannine la caabudo ama la raaco tari, waa uun halaag iyo luggooyo, illeen xagga Ilaaheen baa inooga yimid nuur iyo hanuun ay waajib tahay in la raaco. An-Najm (11-23)

 

  1. Mise dadka waxaa u sugnaaday waxay yididiishaan.
  2. Aakhiro iyo Adduunba Eebbaa iska leh.
  3. Badanaa malag samada ku sugan oon shafeecadiisu waxba anfacaynin in Eebbe idmo mooyee, cidduu la doono oo ka raalli noqdo.
  4. Kuwa aan rumaynin Aakhiro waxay malaai’gta ku magacaabi magac dhaddig.
  5. Wax cilmi ahna uma laha, ee waxay raaci mala uun, malana Xaqa wax kama taro.
  6. Ee iskaga jeedso [Nabiyow] ruux ka tagay xuskayga [Qur’aanka] oon doonin waxaan nolosha adduunka ahayn.
  7. Kaasina waa garaadkooda aqooneed intuu gaadhay, Eebbana waa ogyahay cidda ka dhuntay jidkiisa, waana ogyahay cidda hanuunsan.

 

Ruuxna siduu doona uun xaalku ma noqdo, ee waa sida amarka Eebbe ku fulo, maxaa yeelay Aakharo iyo adduunba Eebbaa iska leh, xataa malaa‘igtu waxaan Eebbe fasixin ma samayn karto, cidna uma shafeeci karto, idanka Eebba mooyee. Eebbana siduu meelo badan oo Qur’aanka ah ku sheegay uma baahna ehel iyo carruur midna, maxaa yeelay khalqiga dhammaantiisba isagaa iska leh, markaas maxay gaaladu u sheegi in malaa’igtu gabdho Eebbe yihiin, wax ma oga ee waxay ku socdaan male, muxuuse tari male? Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) wuxuu ku yidhi hadalkiisii saxiixa ahaa, “Iska jira malaha, maluhu waa ka u beensan hadale.” Eebbana wuxuu Nabiga faray inuusan ku daba luggu, in kuwa Xaqa ka jeedsaday ee cilmigoodii ku koobtay adduunyo ladaba ordaa uun, waxaa la wariyay Caa’isha hooyadii mu’miniinta ahayd (Eebbe haka raalli noqdee) inay tidhi, “Rasuulkii Eebbe wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), ‘Adduunku waa guriga ruuxaan guri lahayn, iyo xoolaha ruuxaan xoola lahayn, waxaana wax u kulmista ruuxaan caqli lahayn.’” Waxaa sheegay Imaam Axmad iyo labadii sheekh (Bukhaari iyo Muslim). An-Najm (24-30)

 

  1. Samaawaadka iyo dhulka waxa ku sugan Eebbaa iska leh, si uu uga abaalmariyo kuwa xumaanta falay camalkoodii, ugana abaalmariyo kuwii wanaagga falay wanaag.
  2. Waana kuwa ka fogaada dambiga waawayn iyo xumaanta, wax yaryar mooyeen, Eebbana waa waasac dambi-dhaafkiisu, wuuna idin ogyahay markuu idinka abuuray dhulka iyo markaad ku asturan tihiin uurka hooyadiin, ee naftiinna ha ammaanina Eebbaa og cidda dhawrsashada badane.
  3. Ka warrama midka Xaqa ka jeedsaday.
  4. Oo wax yar bixiyay inta kalana reebtay.
  5. Ma agtiisaa cilmiga maqan yaallaa oo wuu arkaa.

 

Mar hadduu Eebbe cirka, dhulka, iyo makhluuqaadka dhammaantiisba leeyahay, uuna cid walba ka abaal-marin falkeeda uuna addoomihiisa ka saamixi gafafka yaryar, oo naxariistiisu waasac tahay, wax walbana ogyahay marka ruuxa la abuuro iyo goor kastaba, soo ma wanaagsana in wanaagga lagu dadaalo, xumaanta, isla-waynida, iyo naftii ammaankana laga fogaado. Maxammad binu Camar ibnu Cadaa‘ wuxuu yidhi, “Waxaan ku magacaabay gabadh tay ah Barrah, markaasay igu tidhi Saynab binti Abii Salamah, ‘Rasuulkii Eebbe wuxuu reebay magacan, adna waxaad ku magacawday Barrah,’ markaasuu Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) yidhi, ‘Naftiinna ha ammaanina Ilaahay waa ogyahay cidda baarriga ah oo idin kamid ah.’ Markaasay dheheen, ‘Maxaan ku magacawnaa?’ Wuxuuna yidhi, ‘Ku magacaaba Saynab.’” Waxaa wariyay Muslim, wuxuuna Nabigu reebay inaan dadka ammaanta lagu badinnin, ee khayrka iyo wanaagga uun hala badsado iyagaa ammaan ugu filane. An-Najm (31-35)

 

  1. Miyaan looga warramin [dadka] wixii ku yiillay Kitaabkii [Nabi Muuse]?
  2. Iyo kii [Nabi Ibraahimkii] ee oofiyay [wixii la faray].
  3. Inaan nafna dambi naf kale qaadaynin.
  4. Ruuxna wuxuusan camal-falin heleynin.
  5. Camalkiisana la arki doono.
  6. Kadibna looga abaal-marin doono si buuxda.
  7. Eebbaa xaggiisana loo ahaan.
  8. Eebbe waa kan wax ka qosliya kana oohiya.
  9. Isagaana wax dila waxna nooleeya.
  10. Isagaana abuuray labada nooc ee ah lab iyo dhaddigba.
  11. Kana ahaysiiyay dhibic soo baxday.
  12. Isagaana ahaysiin soo celinta kale.
  13. Eebbe isagaa wax hodmiya isagaana wax faqiiriya.
  14. Waana Eebbaha xiddigga Shicra.

 

Aayadahani waxay caddayn sida aayado badan oo kalaba in naf walba laga abaal-marin waxay camal fasho, nafna naf kale dambigeed ayna qaadaynin, ruux walbana uu arki camalkiisa, xaalkuna wuxuu ku dhammaan Eebbe xaggiisa. Camar binu Maymuun waxaa laga wariyay inuu yidhi, “Waxaa na dhex is-taagay Mucaad binu Jabal wuxuuna yidhi, ‘Reer Awdow waxaan ahay farriintii Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) idiin soo diray, waadna ogtihiin in Eebbe loo ahaan, ama Janno ama Naar.’” Waxaa wariyay Ibnu Abii Xaatim. Eebana waa ka-qosliyaha, ka-oohiyaha, dilaha, nooleeyaha, abuuraha, soo-celiyaha, hodmiyaha, faqiiriyaha, iyo Eebbaha makhluuqaadka dhammaantood, ee waa in ruux walba uu u darbadaa inuu la kulmi camalkiisa, macaan iyo khadhaadhba. An-Najm (36-49)

 

  1. Eebbe isagaa halaagay caadkii horay.
  2. Iyo Thamuudba waxna kama reebin.
  3. [Nabi Nuux] qawmkiisiina horuu [u halaagay], waxayna ahaayeen kuwa dulmi badan oo xad-gudub badan.
  4. Qawmkii [Nabi Luudna] wuu riday [Eebbe].
  5. Wuxuuna ku daboolay wuxuu ku daboolay [oo caddibaad ah].
  6. Teebaadse nicmooyinka Eebbe shakinaysaan [kana doodaysaan] dadow?
  7. Kan [Nabiga iyo Qur’aankuba] waa dige kamid ah u digayaashii hore.
  8. Wayna dhawaatay saacaddi Qiyaame.
  9. Wax Eebbe kasoo hadhay oo ogna ma jiro [markay dhici].
  10. Ma Qur’aankanaad la yaabban tihiin?
  11. Ood qoslaysaan [idinkoo beenin] oydaanna ooyeynin [cabsi darteed].
  12. Idinkoo waliba hilmaansan [islana-wayn].
  13. Ee dadow Eebbe u sujuuda caabudana.

 

Eebbe awooddiisa yaa wax walba ku jiraa, hadduu doonana wuu halaagaa cidduu doono sida kuwaas Qur’aanku in badan ka warramay oo kale, maxaa yeelay way kibreen, nicmada Eebbana way beeniyeen iyo Xaqaba, saas daraaddeed waa in Eebbe laga yaabo, Qiyaamadana loo darbado, Qur’aankana la rumeeyo, kibir, isla-wayni iyo qosol Xaq ku beeninna la iska jiro, sujuudda Eebbe iyo cibaadadiisana la badiyaa, iyo xumaantaada oo laga ooyaa. Ibni Cabbaas wuxuu yidhi, “Waxaa sujuuday Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) markuu akhriyay An-Najm waxaana la sujuuday Muslimiintii, mushrikiintii, jinni iyo insiba.” Waxaa wariyay Bukhaari. An-Najm (50-62)

 

Suurat al-Qamar

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaa dhawaatay Saacaddii [Qiyaame], dayixiina wuu dillaacay.
  2. Hadday gaaladu arkaan aayad way ka jeedsadaan waxayna dhahaan, “Waa sixir daran.”
  3. Way beeniyeen [Nabiga iyo Xaqa] waxayna raaceen hawadooda, amar kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado.
  4. Waxaana ugu yimid dhab ahaan warar ku dheehan waano.
  5. Waana xikmad xeel dheer, maxaysa tari udigidi?
  6. Ee iskaga jeedso [sugna] maalinta mid dhawaaqaa uu ugu yeedhi wax daran.
  7. Araggooduna wuu dullaysnaan, waxayna kasoo bixi qubuurahooda iyagood mooddid ayax faafay.
  8. Iyagoo u dagdagi dhawaaqaha xaggiisa, waxayna dhihi gaaladu kani waa maalin daran.

 

Calaamooyinka Qiyaamada waxaa kamid ah soo-bixintii Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee). Gaaladuna wax kastoo ku tusin xaqnimada Nabiga oy arkaanba way beeninayeen, iyagoo sixir iyo xumaanba ku sheegi, wax walbase meel uu ku dhammaaduu leeyahay, waase in la waana qaato lana raaco xikmada Qur’aanku sheegi inta ka horraysa Qiyaamada iyo abaal-marinta loona darbado maalintaas wayn. Waxaa laga wariyay Khaalid binu Cumayr inuu yidhi, “Waxaa khudbad noo akhriyay Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) Eebbuuna ku mahadiyay kor ahaaye, wuuna ammaanay wuxuuna yidhi, ‘Intaa kadib adduunyadii waxay ogaysiisay goyn, wayna jeedsatay, kamana hadhin wax yar oo la mid ah weel wax ku hadhay oo ruuxu qaadanayo, waadna ka guuraysaan xaggeeda una guuraysaan daar aan tagaynin, ee ka guura idinkoo wata camalkiinna khayrka badan, waxaa naloo sheegay in dhagax lagu tuuray salka Jahannamo uuna sii socon toddobaatan sano isagoon salka gaadhin, wallaahi in la buuxin. Mala yaabteen? Wallaahi waxaa naloo sheegay in Jannada labadeeda albaab loo socdo afartan sano, waxaana iman maalin ay cidhiidhi la buuxdo.’” Waxaa wariyay Imaam Axmad binu Xanbal. Al-Qamar (1-8)

 

  1. Waxaa beeniyay [Xaqa] iyaga hortood [Nabi] Nuux qawmkiisii, waxay beeniyeen addonkannagii, waxayna dheheen wuu waalan yahay, waana la guulguulay [oo la canaantay].
  2. Eebbuuna tuugay inuu tabar yar yahay oo u gargaaro.
  3. Markaasaan ku furay albaabbada samada [cirka] biyo badanna ka keenay.
  4. Dhulkana Eebbaa ka dillaaciyay ilo, wayna kulmeen biyihii amar la qaddaray dartiis.
  5. Waxaanna ku xambaaray [Nabi] Nuux [doon] looxyo iyo musbaarro leh.
  6. Kuna socota ilaalintannada si loo abaalmariyo cidda gaalowday.
  7. Waxaan uga tagnay [yuu Eebbe yidhi] calaamad [lagu waantoobo] ee ma jirtaa cid wacdoomi [oo wax xusuusan]?
  8. Seese yahay caddib Eebbe iyo digiddiisu?
  9. Waan fududaynnay Qur’aanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi?

 

Qisada Nabi Nuux iyo qawmkiisii wax badan buu Qur’aanku sheegay, si loogu waana qaato, falkoodii xumaanna looga leexdo, samaantana la falo, Qur’aanka Eebbe fududeeyayna la raaco, laguna dhaqmo wanaagguu u yeedhi. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Haddaan Eebbe u sahlin Qur’aanka carrabka aadamiga ruux khalqiga kamid ah ma kareen inuu ku hadlo Kalaamka Eebbe.” Al-Qamar (9-17)

 

  1. Caadna way beenisay [Xaqii], seese noqotay caddibaaddii Eebbe iyo u digiddiisii?
  2. Waxaan ku dirray korkooda dabayl qabaw daran maalin baasaysan dhexdeed oo joogta ah.
  3. Oo dadka siibaysa sida timir gunteedii la rujiyay.
  4. Seese ahaa caddibaaddii Eebbe iyo u digiddiisii?
  5. Waxaan u fududaynay Qur’aanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi?
  6. Waxaa beenisay [Xaqii] loogu digay Thamuud.
  7. Waxayna dheheen, “Ma ruux dad ah oo naga mid ah yaan raacaynaa? Markaas waxaan ku sugannahay baadi iyo dhibaato.”
  8. “Ma isagoo na dhex joogaa waxyi lagu soo dajiyay? Saas ma aha ee waa been-badane kibirlow ah.”
  9. Way ogaan doonaan barri cidda been-badane kibirlow ah.
  10. Hashii annagaa soo bixinnay jirrabkooda dartiis, ee sug kuna samir.
  11. Una warran in biyuhu yihiin qayb [iyaga iyo hasha], cidbana maalin gaara leedahay.
  12. Waxay u dhawaaqeeen saaxiibkood hashiina wuu dilay.
  13. Seese ahaa caddibaaddii Eebbe iyo u-digiddiisii?
  14. Dhawaaq kaliyaan ku siidaynay, waxayna la mid noqdeen jabad burburay.
  15. Qur’aankana waan u fududaynay xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi?

 

Qisooyinkan iyana saasoo kale yuu Qur’aanku meela badan ugu sheegay, murtiduse waa in wanaag la raaco, xumaanta iyo madax-adayggana laga leexdo iyo ma ruux banii-Aadam ah yaa na hanuunin, Xaqa un baa wax la raaca ah. Al-Qamar (18-32)

 

  1. Way beeniyeen qawmkii [Nabi] Luud u-digiddii.
  2. Waxaana ku dirray korkooda dabayl dhagaxyo wadata, waxaanse ka nabadgalinnay [Luud] ehelkiisii [rumeeyay] goor aroor ah.
  3. Nicmad xaggannaga ka timid darteed, saasaana u abaalmarinnaa ciddii mahadisa [Eebbe].
  4. Nabi Luud wuxuu uga digay qawmkiisii qabashadannada [daran], wayse shakiyeen digiddaas.
  5. Waxayna dooneen martidiisii [inay xumeeyaan] markaasaan indhaha tirray, waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebbe iyo digiddiisa.
  6. Waxaa ku waabariistay caddibaad sugan.
  7. Waxaana lagu yidhi, “Dhadhamiya caddibaadda Eebbe iyo digiddiisa.”
  8. Waan fududaynay Qur’aanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi?
  9. Fircoon iyo ehelkiisii waxaa u yimid digid.
  10. Wayna beeniyeen aayaadkannagii dhammaanteed, markaasaan u qabannay si xoog iyo awood leh.

 

Sidoo kale qawmkii Nabi Luud iyo falkoodii xumaa, iyo Fircoon iyo isla-waynankiisii wax badan bay Qur’aanka kusoo arooreen, mana qarsoona waxay ku dambeeyeen, xumaanlowna saas ha fisho. Al- Qamar (33-42)

 

  1. Ma gaaladiinnan baa ka khayr badan kuwaas mase dambi la‘aan baa idiin ku sugan kutubta?
  2. Mase waxay dhihi koox guulaysan yaanahay?
  3. Waa la jabin kooxda, dabadayna jeedin.
  4. Saacadda [Qiyaame] yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo khadhaadh.
  5. Kuwa dambiilayaasha ah baadi iyo fogaansho yay ku sugan yihiin.
  6. [Waxaana lagu dhihi] maalinta Naarta wajiwaji loogu ridi, “Dhadhamiya taabashada Saqara.”
  7. Wax kasta waxaan ku abuurray qadar.
  8. Amarkannaguna ma aha mid mooyeen sida ilbidhiqsi.
  9. Dhab ahaan baan u halaagnay kuwa idin la mid ah, ee wax waantoobi ma jiraa?
  10. Wax kastoo dadku falo wuxuu ku sugan yahay kutubta.
  11. Wax kastoo yar ama waynna waa qoran yahay.
  12. Kuwa dhawrsadana waxay gali Jannooyin iyo wabiyaal.
  13. Meel la fadhiisto oo xaq ah oo Eebbaha awoodda leh agtiisa ah [yaa u sugnaatay].

 

Gaaladii reer Makkaad iyo Xaq-diidayaashuba kama wanaagsana gaaladii hore ee la halaagay, ruux iyaga kamid ah oo xumaan la’aan Eebbe u ballan-qaadayna ma jiro, xoog ku faanna qiimo ma leh, immisaa jabtay cid is-bidaysay tiro iyo tayaba, xusuuso maalintii Badar ee Muslimiinta iyo gaaladu kulmeen iyo maalmihii ka dambeeyayba, waxayna ku tusin xaqnimada Qur’aanka iyo siduu Eebbe ballankiisii u oofiyay, waxaase gaalo jab adduun u sii dheer caddibaadda Qiyaame iyo Naarta Saqara. Eebbeheenna wax walbaba qadar buu ku ahaysiiyay, wax ku culusna ma jiro, wax walbana kitaab buu ku yaallaa, kuwa dhawrsadana wuxuu ku abaal-marin Janno iyo sharaf, iyo meel la fadhiisto meesha u fiican. Waxaa laga wariyay Cabdullaahi binu Cumar in Rasuulkii Eebbe yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Ummad la arko waxay leedahay Majuusi, Majuusiga ummaddaydu waa kuwa dhihi qadar ma jiro, hadday bukoodaan ha booqannina, hadday dhintaanna ha u tagina.” Waxaa wariyay Imaam Axmad binu Xanbal. Hadalkii Nabiga ee saxiixa ahaana waa, “Eebbe kaalmayso hana cajisin, haddii wax kugu dhaco dheh waa qadar Eebbe wuxuu doonayna wuu falay, ha dhihin haddaan fali lahaa sidaas waxay noqon lahayd sidaas, qoomammo waxay furtaa fal Shaydaan.” Al-Qamar (43-55)

 

Suurat ar-Raxmaan

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. [Eebbaha] Raxmaan ah.
  2. Wuxuu baray [Nabiga iyo dadka kalaba] Qur’aanka.
  3. Dadkana wuu abuuray.
  4. Wuxuuna baray dadka [hadalka].
  5. Qorraxda iyo dayaxuna waxay ku socdaan xisaab.
  6. Xiddigga iyo geedkuba way sujuudaan [Eebbe dartiis].
  7. Samadana Eebbaa kor yeelay, garsoorna wuu dajiyay.
  8. Si aydaan uga gudbin caddaaladda.
  9. Miisaanka ku hagaajiya caddaalad, hana nusqaamininna.
  10. Dhulkana Eebbe wuxuu u dajiyay khalqiga.
  11. Dhexdiisa waxaa ah faakihad [khudaar] iyo timir fiido leh.
  12. Xubuubna [midho] bali leh iyo udgoonna wuu abuuray.
  13. Nicmooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan [insi iyo jinniyow]?
  14. Dadka Eebbaa ka abuuray dhoobo jilay oo kale ah.
  15. Jaankana wuxuu ka abuuray ololka naarta.
  16. Nicmooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?

 

Eebbe wuxuu ku billaabay magaciisa Raxmaan ah, iyo nicmooyin badan oos ugu nicmeeyay khalqigiisa, sida Qur’aanka uu baray addoomadiisa, abuuridda, hadalka, qorraxda, dayaxa, xiddigaha, geedaha, cirka, dhulka iyo caddaaladda uu soo dajiyay, saas daraaddeed yuu kusoo celceliyay suuraddan u-digidda beeninta nicmooyinkiisa. Jaabir waxaa laga wariyay Eebbe haka raalli noqdee inuu yidhi, “Waxaa usoo baxay Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) asxaabtiisii, wuxuuna ku akhriyay Suuratu Raxmaan billawgeeda ilaa dhammaadkeeda, markaasay aamuseen wuxuuna yidhi, ‘Waxaan ku akhriyay suuraddan jinniga habeenkii jinniga, iyagaana idinka fiicnaa raddinta (jawaab), markastoon imaaddo hadalka Eebbe Sarreeye, Nicmooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan? waxay dhahaan, ‘Mid nicmaddaada kamid ahna Eebbahannow beenin mayno adaana mahad iska leh.’” Waxaa wariyay Tirmidi. Ar-Raxmaan (1-16)

 

  1. Ilaaheen waa Eebbaha labada qorrax-kasoo-bax iyo labada qorrax-u-dhac.
  2. Nicmooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?
  3. Eebbe waan kan labada badood dariseeyey iyagoo kulmi.
  4. Dhexdoodana yeelay soohdin [kala reebta] iskumana xad-gudbaan.
  5. Nimcooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan.
  6. Waxaa lagala baxaa baddaas lu‘lu‘ iyo marjaan [jawhar].
  7. Nimcooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?
  8. Eebbe waxaa u sugnaaday doomaha socda badda oo buuro la mid ah.
  9. Nimcooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?
  10. Dhammaan waxa [dhulka] korkiisa ah wuu tagi.
  11. Waxaase hadhi Eebbaha wayn ee sharafta leh.
  12. Nimcooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?

 

Qorraxdu halkay kasoo muuqato, ama ku qarsoonto, badaha aan isku khaldamaynin jowharta Iagala soo baxo, doomuhuna dhex sabbeeyaan iyo khalqiga intiisa kalaba Eebbaa iska leh, isagaana maamula, wax kasta oo dhulka ku dul noolna wuu tagi oo dhiman, wax Eebba kasoo hadhay oo joogi ama baaqi ahaanna ma jiro, saa darteed waa in la hormarsadaa camal wax tara maalinta aan naf kale wax taraynin in Eebbe doono mooyeen. Ar-Raxmaan (17-28)

 

  1. Waxaa Eebbe wax waydiista samada iyo dhulka waxa ku sugan, goor walbana wuxuu maamuli arrin.
  2. Nimcooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?
  3. Waana idin xisaabin si dhab ah insi iyo jinniyow.
  4. Nimcooyinka Eebbana tee baad beeninaysaan?
  5. Jinni iyo insiyow haddaad kartaan inaad ka baxdaan samada jahooyinkooda iyo dhulka ka baxa, kamana bixi kartaan xujo la‘aan.
  6. Nimcooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?
  7. Eebbe [hadduu doono] wuxuu idinku diri olol Naar ah, iyo maar [la dhalaaliyay] umana gargaarsanaysaan.
  8. Nimcooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?
  9. Markay samadu dillaacdo oy noqoto ubax guduudan oo subag la mid ah [dhalaasho markaas dadkaa la abaalmarin].
  10. Nimcooyika Eebbe tee baad beeninaysaan?
  11. Maalintaas ruux la warsan dambigiisa insi iyo jinniba ma jiro.
  12. Nicmooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?

 

Cid walba way u baahan tahay Ilaaheed, cir iyo dhul iyo meel kastaba ha joogtee, Eebbana isagaa goor walba maamula khalqigiisa, isagaana xisaabin Qiyaamada, wax awood ah ama xoog ah oo Ilaahay lagaga hortagaana ma jiro, iyo wax ka carari kara midna, xumaanlowgana wuxuu ku abaal-marin xumaan, wax gargaara ahna ma helo maalinta xisaabta iyo Qiyaamaha, Eebbana wax kama qarsoona cidna wax ma warsado maaiinta abaal-marinta. Ar-Raxmaan (29-40)

 

  1. Dambiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, waxaana la qaban foodda iyo gommadaha [Naartaana lagu tuuri].
  2. Nimcooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?
  3. Tani waa Jahannamadii ay beeniyeen dambiilayaashu [yaa lagu dhihi].
  4. Waxay ku meereysan Jahannamo iyo biyo kulayl daran dhexdooda.
  5. Nimcooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?
  6. Ruuxii ka yaaba Eebbe hor istaaggiisa wuxuu mudan laba Janno.
  7. Nimcooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?
  8. Jannooyinkaas oo midabyo leh [iyo laamo].
  9. Nicmooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?
  10. Waxaa laga helaa ilo socda.
  11. Nimcooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?
  12. Waxaa laga helaa nooc kasta oo faakiha ah [khudaar ah].
  13. Nimcooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?

 

Sama-falaha iyo xumaan-faluhu iskuma qasna Eebba agtiisa, waxaana dambiilaha lagu aqoonsan calaamooyinkiisa, ciqaab iyo Naarta Jahannama oo lagu tuurana wuu la kulmi, taasoo uu dhex meereysan, lamana dulmiyin ee isagaa Xaqa beeniyay, ruuxiise ka yaaba Eebbe la-kulankiisa iyo xisaabtiisa waxaa lagu abaal-marin Janno wanaag ku dhan yahay, nicmooyinka Eebbeheen waa in lagu mahadnaqo khayrkana loogu kaalmaysto. Ar-Raxmaan (41-53)

 

  1. Waxay ku dangiigsan [ehlu-Jannuhu] gogol ay tahay hoosteedo istabraq [xariir] midhaha Jannooyinku waa u dhawyihiin.
  2. Nicmooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?
  3. Jannooyinka iyo firaashka waxaa ku sugan haween indha waawayn oo dhawrsoon oosan taabanin horay insi iyo jinni midna.
  4. Nicmooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?
  5. Waxaad mooddaa haweenkaas yaaquut iyo marjaan [jawhar midab leh].
  6. Nicmooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?
  7. Wanaag abaalkiisu soo wanaag ma aha?
  8. Nicmooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?

 

Adduunku waa guri shaqo, Aakhirana waa guriga abaal-marinta, suuraddanna wax badan yuu Ilaaheen kaga warramay Jannada iyo tilmaameheeda, iyo wanaaggeeda, iyo in ehlu-Jannuhu ku noolaan khayr iyo nicmo, iyo wax kasta oo wanaag ah, Eebbaana ku abaal-mariyay nicmadaas, maxaa yeelay wanaag abaalkiisu waa wanaag. Anas binu Maalik waxaa laga wariyay inuu yidhi, “Rasuulka Eebbe yaa akhriyay (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), ‘Wanaag abaalkiisu soo wanaag ma aha?’ wuxuuna yidhi, ‘Ma ogtihiin wuxuu Eebbihiin yidhi?’ Waxay dheheen, ‘Eebbe iyo Rasuulkiisaa og,’ wuxuu yidhi, ‘Wuxuu leeyahay ruuxaan ugu nicmeeyay Eebbe aqoonsi abaalkiisu waa Janno.’ Waxaa shegay Baqawi. Ar-Raxmaan (54-61)

 

  1. Waxay heli labadaas Janno ka sokow kuwa kale.
  2. Nicmooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?
  3. Waana laba Jannoo madow [cagaaran].
  4. Nicmooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?
  5. Waxaa dhexdeeda ah laba ilood oo burqan.
  6. Nicmooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?
  7. Dhexdooda waxaa ah faakihad [khudrad] iyo timir iyo rummaan.
  8. Nicmooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?
  9. Dhexdooda waxaa ah haween khayr leh oo quruxsan.
  10. Nicmooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?
  11. Waa haween indha cad oo gurigooda jooga.
  12. Nicmooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?
  13. Waa haween uusan horay u taabanin insi iyo jinni midna.
  14. Nicmooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?
  15. Waxayna ehlu-Jannuhu ku dangiigsan barkimo cagaaran iyo gogol quruxsan.
  16. Nicmooyinka Eebbe tee baad beeninaysaan?
  17. Waxaa barakadiisu badnaatay magaca Eebbaha wayn ee sharafta leh.

 

Saasoo kale waxay aayadahani ka qisoon Jannada iyo ehelkeeda iyo waxa wanaag ah ee Eebbe ku dhammeeyay, waxayna suuraddu kusoo uruursatay markay wax badan soo celcelisay nicmada Ilaahay iyo inaan la beeninin waynida Ilaaheen iyo sharaftiisa, waxaana waajib ah in si dhab ah loo qaddariyo loona caabudo, maxaa yeelay waa Ilaaha adduunkiyo Aakhiraba, ee mu‘miniinta u naxariista, dambiilayaashana ka aarsada. Waxaa la waydiiyay Xasanul Basri hadalka Eebbe Sarreeye “gogol quruxsan.” Wuxuuna yidhi, “Waa gogosha ehlu-Jannaha ee Aabbihiin waayee doona.” Ar-Raxmaan (62-78)

 

Suurat al-Waaqicah

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Markay Qiyaamadu dhacdo.
  2. Dhiciddaas wax beenin ma jiro [markay arkaan].
  3. Waana [mid] hoos-u-dhiga kor-u-dhiga ah.
  4. Marka la gilgilo dhulka gilgilid.
  5. Buurahana la ridqo.
  6. Oy noqoto boodh firdhisan.
  7. Ood ahaataan saddex nooc, [markaasaa dadka lasoo bixin].
  8. Kuwa midigta mari [waa ehlu-Jannehee], ma taqaan kuwa midigta mari?
  9. Iyo kuwa bidixda mari [waa ehlu-Naarkee] ma taqaan kuwa bidixda mari?
  10. Iyo kuwii aad u hormaray.
  11. Waa kuwa Eebbe dhaweeyay.
  12. Waxayna gali Jannooyin nicma leh.
  13. Waana koox kamid ah kuwii hore.
  14. Iyo wax yar oo kamid ah kuwii dambeeyay.
  15. Sariiro dahab laga sameeyay yayna ku sugnaan.
  16. Oy kuna dangiigsan korkeeda iyagoo is-qaabili.

 

Maalinta Qiyaame waa magacyo badan tahay, waynideeda iyo dhibkeeda darteed, dhab-ahaan bayna u iman markaasay cid walba rumayn, maxayse tari rumayni waqtigaas, waxaana dhaca maalintaas dad kor loo qaado oo la sharrifo iyo mid hoos loo dhigo oo la dulleeyo, dadkuna wuxuu noqon saddex qaybood, kuwa aad u hormaray iyo kuwo kitaabkooda midigta ka qaadan, iyo kuwo xun oo jidka Jahannama qaadi, saas darteed yey waajib tahay inuu u darbado ruux walba maalintaas, kana fiirsado kooxduu noqon isagoo Eebba ku xidhan. Cusmaan binu Suraaqa wuxuu sheegay in saacadda Qiyaame hoos ugu dhigi Naarta cadawga Eebbe, Jannaduna kor ugu qaadi awliyadiisa. Al-Waaqicah (1-16)

 

  1. Waxaa la dhex wareegi wiilal waari.
  2. Koobab iyo kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan socda.
  3. Madax-xanuun iyo caqli-tagid midna ma leh.
  4. Faakihaday [khudaartay] doonaanna way heli.
  5. Iyo hilib shimbir oo kay rabaan ah.
  6. Iyo haween Janno oo indha cadcad.
  7. Ood mooddo jawhar la ilaaliyay.
  8. Waana abaal-marin waxay camal-fali jireen [oo wanaag ahaa].
  9. Kumana maqlaan Jannada hadal micno darra iyo dambi midna.
  10. Waxayse ku maqli salaan [dhexdooda ah].

 

Waxaas wanaag iyo Janno ah waxaa Eebbe u darbay koox kamid ah ehlu-Jannaha oo ah kuwo ku hormaray wanaagga iyo khayrka, waxayna muujin arrintaasu inayan darajada Jannadu isku mid ahayn, inkastoy mid waliba ku filan tahay ehelkeeda. Nicmada Aakhiro iyo cabbitaankeedu midna xanuun iyo madax-xanuun ma leh. Ibnu Cabbaas waxaa laga wariyay inuu yidhi, “Khamrada (adduunka) afar arrimood bay leedahay: Waalli, madax-xanuun, mantag iyo kaadi.” Al-Waaqicah (17-26)

 

  1. Kuwa midigta mari, ma taqaan kuwa midigta?
  2. Waxay heli geedka Sidriga ah oon qodax lahayn.
  3. Iyo geedka dhalxiga ah oo buuxa.
  4. Iyo hoos joogta ah.
  5. Iyo biyo socda [goor walba].
  6. Iyo faakiha badan.
  7. Oon la goynaynin lana reebaynin.
  8. Iyo gogol la kor yeelay.
  9. Annagaa ahaysiin [da‘ yarayn haweenka Jannada].
  10. Kana dhigi kuwa aan la taaban.
  11. Oy is jecel yihiin [raggooda] simanna.
  12. Kuwa midigta yaa muta [arrintaas].
  13. Waana koox kuwii hore kamid ah.
  14. Iyo koox kuwa dambe kamid ah.

 

Kuwa midigta mari oo Jannada aadi, ama kitaabkooda midigta laga siin waa kooxda labaad ee suuraddani ka warrami, waxaana ka horreeyay saabiqiintii, siduuna Eebbe khayr badan iyo Janno ugu abaal-marin kuwii hormaray yuu ugu yaboohay wanaag kuwii midigtana, maxaa yeelay khayrka iyo naxariista Eebbe waa badan tahay wuxuuna ku shubaa cidduu doono, camal wanaagsan iyo shaqase waa lagama maarmaan ruuxii caqli leh. Al-Waaqicah (27-40)

 

  1. Kuwa bidixda mari, ma taqaan kuwa bidixda.
  2. Waxay ku sugnaan Naar daran iyo biyo kulayl badan.
  3. Iyo hoos madow oo wax guba.
  4. Aan qaboobayn aragna fiicnayn.
  5. Waxay ahaayeen arrintaas ka hor kuwo ku raaxaysta [xumaanta].
  6. Waxayna daa’imi jireen dambi wayn.
  7. Waxayna dhihi jireen, “Ma markaan dhimanno oon lafo iyo carro noqonnaa lana soo bixin?”
  8. “Ama aabbayaalkannagii horreeyay?”
  9. Waxaad dhahdaa, “Kuwii horreeyay iyo kuwii dambeeyayba.”
  10. “Waxaa loo soo kulmin maalin la yaqaan [Qiyaamo].”
  11. “Markaas baadiyaalyahow beeniyayaasha ah”
  12. “Waxaad wax ka cunaysaan geed xun.”
  13. “Aad kana buuxinaysaan caloosha.”
  14. “Waxaadna ku cabbaysaan biyo kulayl badan.”
  15. “Waxaadna u cabbaysaan sida geel aad u ooman.”
  16. Kaasina waa waxa lagu soori [gaalada] maalinta abaalmarinta [Qiyamada].

 

Kuwanna waa qaybtii saddexaad ee suuraddu sheegtay, labadii horana waxay ahaayeen ehlu-Janno, kuwan bidixda marayna waxay noqdeen ehlu-Naar. Eebbana cidna ma dulmiyo, hase yeeshee wuxuu ka abaal-mariyaa camalkiisa uun maxaa yeelay xumaan-badane, xad-gudba, soo-bixinta beeniyay oo jidka xun raacay la mid ma aha sama-fale, Eebbe-addeece iyo jid-wanaagsan-qaade. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Dambiga wayni waa gaalnimo,” Mujaahid iyo Cikrimana saasaa laga sheegay. Al-Waaqicah (41-56)

 

  1. [Eebbe wuxuu yidhi] “Annagaa idin abuurraye maxaad la rumayn waydeen [soo bixinta]?”
  2. Ka warrama dhibicda aad tuuraysan [manida].
  3. Ma idinkaa abuura mase Annagaa abuurra?
  4. Annagaa idinku eheynay geerida, ruux naga fakanna ma jiro.
  5. Inaan idinku baddallo kuwo idin la mid ah oon idinka ahaysiinno waxaydaan aqoon.
  6. Dhab ahaan baad u ogtihiin abuuriddii hore, ee maad wax xusuusataan.
  7. Ka warrama waxaad beereysaan.
  8. Ma idinkaa soo dhaliya mase Annagaa soo dhalinna?
  9. Haddaan doonno waxaan ka dhigaynaa burbur [aan wax tarin] markaasaad yaabaysaan [murugoonaysaan].
  10. [Idinkoo dhihi] “Waa nala khasaariyay.”
  11. “Mase waa nala hoojiyay.”
  12. Ka warrama biyahaad cabbaysaan.
  13. Ma idinkaa kasoo dajiyay daruurta mase Annagaa soo dajinnay?
  14. Haddaan doonno waxaan ka yeelaynaa khadhaadh [aan la hollin karin] ee maad ku mahadisaan [Eebbe].
  15. Ka warrama dabkaad madagta ka shiddaan.
  16. Ma idinkaa ahaysiiyay geedkeeda mase Annagaa ahaysiinnay?
  17. Annagaa ka dhignay dabka waano iyo nafciga kuwa safarka ah [iyo cidlada].
  18. Ee waynee oo u tasbiixso magaca Eebbaha wayn.

 

Aayadahan waxay ka warrami awoodda Eebbe iyo nicmooyinkiisa uu dadka ugu nicmeeyay, sida abuuridda cunnada uu dhulka kasoo bixiyo, biyaha macaan oos cirka inooga keeno, iyo geedaha uu dabka ku abuuray si looga shito iyo khayrkiisa kale ee badanba, hadal iyo dhammaanna Eebbe mahad, ammaan iyo addeecid buu mutaa si loogu liibaano naxariistiisa waasaca ah. Waxaa la wariyay in Muslimiintu saddex wadaagaan: Dabka, daaqa iyo biyaha. Waxaa wariyay Axmad iyo Abuu Daawuud. Al-Waaqicah (57-74)

 

  1. [Eebbe wuxuu yidhi] “Waxaan ku dhaartay halkay xiddiguhu ku dhacaan [ku qarsoomaan].”
  2. Waana dhaar wayn haddaad ogtihiine.
  3. Qur’aanku waa shay sharaf leh.
  4. Wuxuuna ku sugan yahay Kitaab la dhawray.
  5. Mana taabto ruuxaan daahir ahayn.
  6. Waxaana soo dajiyay Eebbaha caalamka.
  7. Ee ma Qur’aankan yaad beeninaysaan?
  8. Ood ka yeeleysaan [mahaddii] rizqigiinna beenin [Xaqa]?
  9. Maxaydaan markay naftu dhuunta gaadho.
  10. Idinkuna aad fiirinaysaan [ruuxa dhiman].
  11. Annaguna aan idiinka dhawnahay, laakiinse aydaan arkaynin.
  12. Haddaad tihiin kuwa aan lasoo bixinaynin.
  13. Maad nafta ku celisaan, haddaad run sheegaysaan?
  14. Hadduu kamid yahay [ruuxa dhiman] kuwa Eebbe dhaweeyay.
  15. Wuxuu heli naxariis iyo farax iyo Jannada naciima.
  16. Hadduu yahay kuwa midigta marina
  17. Nabadgalyaa u sugnaatay [iyo wanaag].
  18. Hadduu yahay kuwa Xaqa beeniyay ee dhumayna
  19. Wuxuu heli marti-qaad iyo kulayl badan.
  20. Iyo galidda Naarta Jaxiimo.
  21. Waxaas [lasoo sheegay] waa run dhab ah.
  22. Ee u tasbiixso magaca Eebbaha wayn.

 

Eebbe wuxuu ku dhaartay xiddigaha iyo halkay ku qarsoomaan, waana dhaar wayne in Qur’aanku sharaf leeyahay, dhawrsoonna yahay, ruuxaan nadiif ahaynna u habboonayn inuu taabto, xagga Eebbana kasoo dagay, wax la beeniyo iyo wax la dafirana uusan ahayn, Eebbahaas wayn ee awoodda leh isagaa wax dila wuxuu doonana wax baajin kara ma jiro, dadkuna siday suuraddu horayba u sheegtay waa saddex qaybood, laba ehlu-Janna ah oo liibaanay iyo mid khasaaray. Cuqba binu Caamir wuxuu yidhi, “Markay kusoo dagtay Rasuulka Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), ‘U tasbiixso magaca Eebbahaaga wayn,’ wuxuu yidhi, ‘Yeela rukuucdiinna,’ markay soo dagtay, ‘U tasbiixso magaca Rabbigaaga Sare,’ wuxuu yidhi Rasuulkii Eebbe, ‘Yeela sujuudiinna.’ Waxaa wariyay Axmad, Abuu Daawuud iyo Ibnu Maajah. Bukhaarina wuxuu ka wariyay Abii Hurayre inuu yidhi, “Rasuulkii Eebbe wuxuu yidhi, ‘Laba kalimo oo carrabka ku fudud miisaankana ku culus Eebbaha Raxmaan ahna jecel yahay waa: Eebbaa ceeb ka dheer, mahadna leh, waxaa ceeb ka dheer Eebbaha wayn.’” Al-Waaqicah (75-96)

 

Suurat al-Xadiid

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaa Eebbe sharrifa [oo wayneeya] waxa ku sugan samaawaadka iyo dhulka, Eebbana waa Adkaade Falsan.
  2. Waxaa Eebbe u sugnaaday xukunka samaawaadka iyo dhulka, isagaa waxa nooleeya waxna dila, wax walbana wuu karaa.
  3. Eebbe waa kan horreeyay, waana kan dambayn, waana kan muuqda [khalqigiisa] awgiis waana kan [indhaha] ka qarsoon wax walbana og.
  4. Eebbe waa kan ku abuuray samaawaadka iyo dhulka lix maalmood qaddarkood, markaasna Carshiga ku ekaaday [si u cunnanta] wuxuuna ogyahay waxa dhulka gali iyo waxa kasoo bixi, waxa samada kasoo dagi iyo waxa u kori, Eebbana waa idinla joogaa meel kastood ku sugan tihiinba, waxaad camal falaysaanna Eebbe waa arkaa.
  5. Eebbaa iska leh xukunka samada iyo dhulka, xaggiisaana loo celin ummuuraha.
  6. Eebbe waa kan habeenka iyo dharaarta is dhex galiya [kala badiya] waxa laabta ku jirana waa ogyahay.

 

[La joogid ogaal iyo awood iyo kaalmo iyo ka warqab sida ay ku fasireen culumadii asxaabta iyo intii wanaag ku raacday mana aha Ilaah baa naftiisii ku dhex jira meel kasta, waana ka hufan yahay sidaas, ee Alle waa ka sarreeyaa khalqigiisa (dib u eegaha).]

Eebbe wuxuu mutaa sharrifaad iyo waynayn, maxaa yeelay isagaa ahaysiiyay khalqiga, wax walbana maamula, waana kan horreeyay dambaynna, xukunka iyo awoodda caalamkuna maamulkiisa ku hoos jiro, wax ka qarsoonna ma jiro, tasarrufkana isagaa iska leh, haddaadan adugu arkinna isagaa ku arka, Rasuulkii Eebbana (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Iimaan waxaa ugu fiican inaad ogaato in Eebbe kula joogo sidaad tahayba.” Al-Xadiid (1-6)

 

  1. Rumeeya Eebbe iyo Rasuulkiisa, bixiyana waxa kamid ah wuxuu idiinka dhigay wakiillo [maamulkiisa] kuwa rumeeyay Eebbe oo idin kamid ah waxna bixiyay waxay mudan ajir wayn.
  2. Maxaad leedihiin ood la rumayn waydeen Eebbe, isagoo Rasuulkuna idiinku yeedhi inaad rumaysaan Eebbihiin, isagoo Eebbe ballan idinka qaaday haddaad mu‘miniin tihiin.
  3. Eebbe waa kan soo dajiyay aayaad cadcad si uu idiinka bixiyo mugdiga, nuurna idiinku bixiyo, Eebbana waa idiin naxariis badan yahay.
  4. Maxaad leedihiin ood wax ugu bixin waydeen Jidka Eebbe isagoo samaawaadka iyo dhulka dhaxalkooda iska leeyahay, ma sinna ruux wax bixiyay Makka furashadeedii ka hor oo jahaaday, kuwaasaa ka ajri wayn kuwii bixiyay oo dagaallamay kadib, dhammaantoodna Eebbe wuxuu u yaboohay wanaag, Eebbana waa ogyahay waxaad camal falaysaan.
  5. Waa kuma kan Eebbe amaah wanaagsan amaahin [wax bixin] oo markaas uu u laablaabo, ajri wanaagsanna hela.

 

Rumaynta Xaqa iyo daa’imkiisuba waa waajib, saasoo kale Jidka Eebbe oo wax lugu bixiyo iyo Jahaadkuba iyana waa waajib, maxaa yeelay cirka, dhulka iyo waxa ku suganba oy xooluhu kamid yihiin Eebbaa iska leh, ee dadka waxaa loo siiyay inay wanaag ku falaan, xumaantana ka reebaan. Cabdullaahi binu Shakhiir waxaa laga wariyay inuu yidhi, “Waxaan u imid Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) isagoo leh, ‘Waxaa idin shuqliyay wax-badsasho, ibnu-Aadam wuxuu dhihi, “Xoolahaygii,” oo miyaad ku leedahay xoolahaaga waxaad cunto ood dhammaysato, ama aad xidhato oo duugayso, ama aad sadaqaysato ood hormarsato mooyee? Wixii intaas kasoo hadhay waad ka tagi ood u dhaafi dad.’” Waxaa wariyay Muslim iyo Imaamu Axmad. Markaas waa inaan Xaqa rumaynaa waxna bixinnaa illeen Rasuulkii iyo Qur’aanka yaa wanaag inoogu yeedhiye, wax-bixinta iyo Jahaadka iyo camalkuna isku mid ma aha, ee waa kala tagsan yihiin marka la eego waqtiga iyo dhibaatada, inkastoo guud ahaan ay wanaag tahay, saas daraaddeed yaa looga baahan yahay ruuxa mu‘minka ah: rumayn Xaqa, wax-bixin, Jahaad iyo camal fiican oo wax tara labada daaroodba. Al-Xadiid (7-11)

 

  1. [Xusuusta] maalinta aad arki mu‘miniinta rag iyo haweenba iyagoo nuurkoodu socda hortooda iyo midigtooda, waxaana lagu dhihi, “Bishaaraysta maanta,” waa Jannooyin ay dureeri dhexdooda wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, taasina waa liibaan wayn.
  2. Waa maalinta munaafiqiintu rag iyo haweenba ay ku dhihi kuwa Xaqa rumeeyay, “Na suga aan ka dhuxul-qaadanno nuurkiinnee,” waxaana lagu dhihi, “Ku noqda gadaashiinna, waydiistana nuur,” markaasaa la yeelaa dhexdooda darbi xaggiisa gudahana naxariis tahay, xaggiisa dibaddana caddibaad tahay.
  3. Way u dhawaaqi mu’miniinta iyagoo leh, “Miyaannaan idinla jirin,” mu’miniintuna waxay ku dhihi, “Haa [waad nala jirteen] laakiin waxaad balayseen naftiinna, xumaanna waad la sugteen [Nabiga iyo mu‘miniinta], waadna shakideen waxaana idinku kadisay yididiilo [been ah] inta amarka Eebbe ka yimaaddo [geerida] waxaana Eebbe idinku kadsiiyay kadiye [Shaydaan].”
  4. Maanta [Qiyaamada] laydin kama aqbalo is-furasho idinka iyo kuwa gaaloobay midna, hoygiinnuna waa Naar waadna mudataan, meel loo hoydana iyadaa u xun.

 

Maalintaa waxaa la arki mu‘miniinta rag iyo haweenba oo nuur hor socdo looguna bishaarayn wanaag, munaafiqiintuse waa ka duwan tahay, waxayna la kulmi murug iyo xumaan, waxayna ka codsan mu‘miniinta inay sugaan nuurkana wax ka siiyaan, hasa yeeshee daarta Aakhiro nuur laguma qaato, waxaase lagu kasbadaa adduunka, ruuxse baloobay, oo Xaqa shakiyay, oo yididiila been ah iyo Shaydaan ku kadiyay intuu ka dhinto miyaa xoolo isku-furasho iyo calaacal wax u tari maalinta Qiyaame. Ibnu Cabbaas waxaa laga wariyay inuu yidhi, “Rasuulkii Eebbe wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), ‘Eebba Sarreeye wuxuu dadka ugu yeedhaa maalinta Qiyaame magacyadooda isagoo asturi addoomadiisa, markase Jidka (Siraad) la joogo Eebbe Sarreeye wuxuu siin ruux kastoo mu‘min ah iyo ruux kastoo munaafiq ahba nuur, markay Jidka marayaan yaa Eebbe ka qaadaa nuurka munaafiqa, markaasay dhahaan munaafiqiintu, “Na suga aan nuurkiinna ka dhuxul-qaadannee,” mu‘miniintuna waxay dhihi, “Eebbahannow noo taam yeel nuurkannaga.” Markaasaan ruuxna ruux kale xusuusanaynin.’” Waxaa wariyay Dabaraani. Al-Xadiid (12-15)

 

  1. Miyayan u dhawaanin kuwa Xaqa rumeeyay inay u khushuucdo quluubtoodu xusidda Eebbe [Qur’aanka] iyo waxa Xaqa ah ee dagi, oyna la mid noqonin kuwii Kitaabka la siiyay horay [Yahuud iyo Nasaaro] oo muddadu ku dheeraatay, markaas ay ingagtay quluubtoodu, wax badan oo kamid ahna waa faasiqiin [ka baxay xerada].
  2. Ogaada in Eebbe nooleeyo dhulka dhimasho kadib, wuuna idiin caddeeyay aayaadka si aad wax u kastaan.
  3. Ragga wax sadaqaysta iyo haweenka wax sadaqaysta oo Eebbana amaah wanaagsan amaahiya [waa sadaqada] waa loo laablaabi, waxayna leeyihiin ajri sharaf leh.
  4. Kuwa rumeeyay Eebbe iyo Rasuulkiisa kuwaasu waa run-badanayaal, shuhadaduna Eebbe agtiisa ajri iyo nuur bay ku mudan kuwase gaaloobay beeniyayna aayaadkannaga kuwaasi waa ehelka Naarta Jaxiimo.

 

Ma habboona in ruuxa mu‘minka ah waqtigu la dheeraado, qalbigiisuna halmaamo xusidda Eebbe iyo Qur’aankiisa, waxaase habboon inuu Eebbe ku xidhnaado oosan la mid noqonnin gaalada qalbigoodu ingagay ee faasiqiinta ah, isagoo xusuusan nicmooyinka Eebbe waxna bixin si uu uga helo Eebbe agtiisa ajri wayn, dhabtuna waxay tahay kuwa Eebbe rumeeya iyo Rasuulkiisa inay yihiin runlowyaal, shahiidka Xaqa ku dhintayna isagoo gaalada la Jahaadi xuquuqdiisana difaaci, wuxuu ka mudan Eebbe agtiisa sharaf, ajri, iyo nuur. Gaalase iyo kuwa beeniya Xaqaba waxay mudan Naarta Jaxiima. Bukhaari iyo Muslim waxaa ku sugnaaday, “Shuhadada arwaaxdoodu waxay ku sugan tahay shimbir cagaaran oo Jannada ka daaqi meeshey doonto cunaheed.” Al-Xadiid (16-19)

 

  1. Ogaada in nolosha adduunyadu tahay ciyaar iyo dheeldheel iyo is-qurxin iyo isu-faan dhexdiinna ah iyo badsi-xoolo iyo carruur, sida roobi is-jeclaysiiyey beertaha wuxuu soo bixiyo, markaasna ingaga ood arki isaga oo doorsoomay noqonna burbur, Aakhirana waxaa jira caddibaad daran iyo dambi-dhaaf xagga Eebbe ka iman iyo raalli ahaansho, nolosha adduunyana waa raaxo lugu kadsoomi.
  2. U orotama dambi-dhaafka Eebbe iyo Janno balladhkeedu yahay balladhka samada iyo dhulka oo kale, loona darbay kuwa rumeeyay Eebbe iyo Rasuulkiisa, arrintaasuna waa sama-fal Eebbana wuxuu siin ruuxuu doono, Eebbana fadligiisu waa wayn yahay.
  3. Wixii dhib ah oo dhulka ka dhaca ama naftiinna ku dhaca wuxuu ku sugnaaday kitaab abuuriddiisa ka hor, arrintaasuna waa u fududdahay Eebbe.
  4. Si aydaan ugu murugoonin wixii idinka taga aydaan uguna farxin wuxuu idin siiyo, Eebbe ma jecla ruux kasta oo isla-wayn oo faan-badan.
  5. Oo ah kuwa bakhayli dadkana fari bakhaylnimo, ruuxii jeedsadana Eebbe waa ka hodon mahadsan.

 

Eebbe wuxuu diray Rasuullo, wuxuuna lasoo dajiyay kutub iyo xujooyin si caddaalad loogu dhaqmo, birta iyo hubkana Eebbaa abuuray si cidda Xaqa diidda loogu celiyo looguna nafciyo, Nabiyada uu Eebbe soo dirayna sida Nuux iyo Ibraahiim faracyadoodii yuu raaciyay, siduu Ciisaba Injiil u siiyay, kuwii raacay ee Xaqa ku toosnaana naxariis dhexdooda u yeelay hasa yeeshee ay isku adkeeyeen, waxyaalo cusubna la yimaadeen, Xaqiina ayna dhawrin, badankooduna faasiqiin noqday. Nabiguna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), “Nabi kasta wuxuu leeyahay ruhbaaniyo, ruhbaaniyadda ummadanna waa Jahaad Jidka Eebbe waynaaye.” Waxaa wariyay Ibnu Abii Xaatim. Saas daraaddeed waa in Eebbe laga yaabaa, Rasuulkiisana la raacaa, si uu inoo siiyo ajri laablaaban, nuur ina hoggaamiya, dambi-dhaaf iyo naxariis, lana ogaado inaan gaalo sama-falka Eebbe ku tasarrufaynin ee Eebbe uu awood leeyahay, cidduu doonana khayr ku shubaa. Al-Xadiid (20-24)

 

  1. Dhab ahaan baan ula dirray Rasuulladannadii xujooyin, waxaana usoo dajinnay Kutub iyo caddaalad, si dadku ugu tooso caddaalad, waxaana soo dajinnay birta iyadoo shiddo ku dheehan tahay iyo nafci dadka iyo in Eebbe muujiyo cidda u gargaari isaga [Diinta] iyo Rasuulladiisa iyagoon arkaynin, Eebbana waa Xoog-badane Adkaade ah.
  2. Dhab ahaan baan u dirray [Nabi] Nuux iyo [Nabi] Ibraahiim, waxaana yeellay faracooda Nabinnimo iyo Kitaabbo loo soo dajiyay, waxaana kamid ah kuwa hanuunay, wax badan oo kamid ahna waa faasiqiin.
  3. Markaasaan raacinnay raadkoodii Rasuulladannadii, waxaana raacinnay Ciise binu Maryama, waxaanna siinnay Injiil, waxaana yeellay quluubta kuwii raacay isu-danqasho iyo naxariis iyo ruhbaaniyad [adduun-ka-jeedsi] ay iyagu billawdeen oonaan ku faral-yeelin, doonidda raalli ahaanshaha Eebbe dartiis yayna u faleen, mase ayna ilaalinin ilaalin xaq ah, waxaana siinnay kuwii rumeeyay oo kamid ah ajrigoodii, wax badan oo kamid ahna waa faasiqiin.
  4. Kuwa Xaqa rumeeyow, Eebba ka dhawrsada, rumeeyana Rasuulkiisa haydin siiyo laablaab naxariiseede, hana idiin yeelo nuur aad ku socotaane, hana idiin dambi-dhaafee, Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista ah.
  5. Inay ogaadaan ehlu-Kitaabku inayan karin inay hantaan fadliga Eebbe, fadliga Eebbana awooddiisu uu ku jiraa, wuxuuna siin ruuxuu doono, Eebbana waa kan fadliga wayn leh.

 

Adduun iyo Aakharaba Eebbaa abuuray iskana leh, waana in adduunka la camal-falaa si Aakhara loo nicmoobo, hasa yeeshee waa inaan adduunka uun loo go‘in, illeen dhab-ahaantii wuxuu la mid yahay dhul waraabay oo doog quruxsan kasoo dhashay, mudda kadibna dabayshu marto oo ingaga kalana burbura, waxaabase intaa usii dheer inay tahay ciyaar iyo dhalanteed ayan habboonayn in lagu kadsoomo. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), “Ul meel la dhigto oo Jannada ah yaa ka khayr roon adduunyada iyo waxa ku sugan, akhriya: ‘Nolosha adduunyo ma aha waxaan raaxo lagu kadsoomo ahayn.’” Waxaa wariyey Ibnu Jariir wuxuuna ku sugan yahay saxiix. Saas daraadeed waa in la ogaado in Eebbe agtiisa wanaag iyo awoodiba taallo, wixii shar ahna loo adkaysto, khayrkana aan lala boodboodin. Cikrima wuxuu yidhi, “Ruuxaan farxaynin ama murugoonaynin ma jiro, ee faraxa mahad ka dhiga murugtana sabir.” Al-Xadiid (25-29)

 

***

Suurat al-Mujaadilah

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Eebbe wuxuu maqlay haweenaydii hadalkeeda Nabiga kula doodaysay xaalkii ninkeeda, oo Eebbe u sheeganaysay [dhibaatadeeda], Eebbana wuu maqlayey dooddooda, maxaa yeelay Ilaahay waa ka wax walba maqle arka.
  2. Kuwa haweenkooda kala mid dhiga hooyadood oo kale haweenkoodu ma aha hooyadood, hooyo waa midda wax dhashay, kuwaasina waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been , Ilaahayna waa saamax-badane dhaafid-badane.
  3. Kuwa haweenkooda kala mid dhigi hooyadood haddana ku noqon [haweenkii] waxaa ku waajib ah qoor xoraynteed intayan is-taaban, arrintaasi waa waano Ilaahayna waxa dadku camal fali waa ogyahay.
  4. Ruuxaan helin qoor uu xoreeyo wuxuu soomi laba bilood oo is-raacsan intayan is-taaban, ciddiise aan karin soonka wuxuu quudin lixdan miskiin, arrintu waa saas si aad Eebbe u rumaysaan iyo Rasuulkiisa, taasina waa xuduuddii Ilaahay, gaalase waxaa u sugnaaday cadaab kulul.

 

Aayadahanu waxay kusoo degeen haweenay la dhihi jiray Khawlo iyo ninkeedii Aws binu Saamit oo ku yidhi, “Waxaad igala mid tahay hooyaday oo kale,” markaasay Nabiga (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa Eebbe ha yeelee) u timid iyadoo sheegan inay carruur badan leedahay ay doonaysana in ninkeedii lagu celiyo, saasna ay Nabiga hadalka isku celceliyeen. Ilaahay waa maqlaa waana ajiibaa ducada qofka dhibban sida haweenaydaas Qur’aanku kusoo degay. Dhaartaas lasoo sheegay waa mid jaahiliintii ku dhaaran jireen Muslimiintana way ka reebban tahay waxaana ka waajibi kafaara gud. Caa’isha waxay tidhi, “Mahad Eebbaa iska leh wax walbana maqla, waxaa timid haweeneydaas doodaysay anoo guriga dhinac kamid ah jooga, markaasaa Eebbe soo dajiyey aayadda.” Waxaa wariyey Bukhaari. Al-Mujaadilah (1-4)

 

  1. Kuwa Eebbe iyo Rasuulkiisa khilaafaya waxay mudan yihiin halaag sidii loo halaagay kuwii ka horreeyey, Eebbana wuxuu soo dajiyey aayado cadcad gaalana waxaa u sugnaaday cadaab wax ihaaneeya.
  2. Maalin buuna ihaanayn Ilaahay uu soo bixin dhammaantood, ugana warrami waxay camal faleen, Eebbana waa koobay iyana waa hilmaameen Ilaahayna wax kasta wuu daalacan [arkaa].
  3. Ma ogtahay in Ilaahay ogyahay cirka iyo dhulka waxa ku jira, saddexdii faqiba Ilaahay baa afreeya, shantana Ilaahay baa lixeeya; waxa ka yar iyo waxa ka badanba Ilaahay baa la jooga meeshay ahaadaanba, wuxuuna uga warrami waxay camal faleen maalinta Qiyaamo Ilaahayna wax walba waa ogyahay.
  4. Miyaadan ogayn kuwa laga reebay faqa xun oo haddana ku noqon waxa laga reebay, kuna faqi dambi iyo cadawnimo iyo caasinnimada Rasuulka, markay Nabiga u yimaadaanna ku salaamaya waxaan Eebbe ku salaamin oo hoos u dhihi, “Maa Eebbe nagu cadaabo waxaan ku hadlayno?” Waxaa ku filan Jahannamo oo ay galayaan waana guri xun.
  5. Kuwa rumeeyayow, markaad faqaysaan haku faqina dambi, colnimo iyo caasinnimada Rasuulka ee ku faqa wanaag dhawrsani, Eebbana ka yaaba isagaa la isu soo kulmine.
  6. Faqa xun Shaydaan buu ka yimaadaa suu u walbahaar geliyo kuwa Xaqa rumeeyay, waxbase kama dhibo idan Ilaahay mooyee, Ilaahay uun ha tala saarteen kuwa Xaqa rumeeyey.

 

Eebbe iyo Rasuulkiisa ciddii la collowda halaag baa udambayn iyo cadaab daran, maxaa yeelay Eebbe wax walba waa ogyahay, waana in wanaag lagu faqo een xumaan iyo colnimo lagu faqin, maxaa yeelay ruux kasta Eebbeheen waa la joogaa waana daalacan, isagaana loo noqon, cid kastana wuxuu ka abaal marin waxay kasbatay Nabiguna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Hadday idin salaamaan ehlu-Kitaabka (gaaladu) dhaha korkiinna ha ahaato.” Waa saxiix. Al-Mujaadilah (5-10)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyayow, haddii la idin dhaho isu waasiciya fadhiga; isu waasiciya Ilaahay wanaagga ha idiin waasiciyee, marka la idin yiraahdo Jihaadka iyo khayrka u degdegana, u degdega Ilaahay wuu kor yeelayaa kuwa Xaqa rumeeya kuwa cilmiga lehna darajooyin yuu kor yeelayaa Eebbana waxa la camal fali waa ogyahay.
  2. Kuwa Xaqa rumeeyayow markaad Nabiga qaabilaysan hormariya sadaqo, saasaa idiin khayr badan idiinna nadiifsan, haddaydaan helaynin Eebbe waa dambi-dhaaf badane naxariis badane.
  3. Ma waxaad ka cabsateen inaad hormarsataan sadaqooyin markaad Nabiga la kulmaysaan, haddaydaan saas falin Eebbe waa idin ka tawbada aqbalaye ee salaadda ooga zakadana bixiya Ilaahay iyo Rasuulkiisana adeeca, Eebbana waa ogyahay waxaad camal falaysaan.

 

Dadka Xaqa rumeeyey waa inay Ilaahay iyo Nabigiisaba (naxariis iyo nabadgelyaba korkiisa Eebba ha yeelee) ay maqlaan, dhexdoodana isu naxariistaan, Jihaadka iyo khayrkana u degdegaan waxbarashada, salaadda, zakada iyo sadaqadana ay ku dadaalaan si uu Eebbe abaalgud fiican u siiyo. Al-Mujaadilah (11-13)

 

  1. Ma ogtahay kuwii ka sokeeye dhigtay kuwa Eebbe u cadhooday? Kuwaasi idin kamid ma aha iyagana kamid ma aha [waa munaafiqiinta] waxayna ku dhaaran been iyagoo og.
  2. Eebbe wuxuu u darbay kuwaas cadaab daran maxaa yeelay wax xun bay falayeen.
  3. Dhaartoodii bay gaashaan ka dhigteen dadkana Xaqii bay ka leexiyeen waxayna mudan yihiin cadaab wax ihaaneeya.
  4. Xoolahooda iyo carruurtoodu wax ugama taraan Eebbe xaggiisa, waana kuwa ehlu-Naar ah wayna ku waari.
  5. Maalinta Eebbe soo bixiyo dhammaantood way u dhaaran Eebbe siday idinka idiinku dhaartaan iyagoo u malayn inay wax [xuja ah] haystaan waase kuwo beenaalayaal ah.
  6. Waxaa ka qaalib noqday Shaydaan oo hilmaansiiyey xusidda Eebbe, kuwaasi waa xizbiga Shaydaanka, xizbiga Shaydaankuna waa kuwa khasaaray.

 

Munaafiqiintu waa colka kuwa Xaqa rumeeyey, waxayna had iyo jeer xiriir la yeeshaan gaalada kale ayagoon labada qolo midna ka tirsanayn, kuwaasna Eebbe wuxuu ugu gooddiyey ciqaab daran, waana beenaalayaal xizbiga Shaydaanka kamid ah, Naar iyo khasaarana way la kulmi doonaan. Al-Mujaadilah (14-19)

 

  1. Kuwa Ilaahay iyo Rasuulkiisa khilaafaya waxay kamid noqon kuwa dullooba.
  2. Eebbe wuxuu xukmiyey inuu adkaado isaga iyo Rasuulkiisa, maxaa yeelay waa xoog badane adkaade ah.
  3. Ma helaysid dad Ilaahay rumeeyey iyo maalintii dambeysay oo haddana jecel ruux Ilaahay iyo Rasuulkiisa khilaafaya haba ahaadeen. Aabayowgood, carruurtooda, walaalahood ama qaraabadooda, kuwaas (aan jeclaanin) waa kuwo qalbigooda iimaanka lagu dhigay Eebbena ku xoojiyey gargaarkiisa, wuxuuna gelin Jannooyin wabiyaal dhex socdaan ay kuna waari, kuwaas Ilaahay baa ka raalli noqday iyana way ka raalli noqdeen waana Xizbiga Ilaahay, Xizbiga Ilaahayna waa kuwa liibaanay.

 

Eebbe wuxuu ballan qaaday in dadka Xaqa ku taagani adkaadaan markay wixii Eebbe faray yeelaan, Xaq-diidayaashuna ay dulloobaan. Jacaylka iyo walaalnimaduna waa inay ahaato Xaqa dartiis ee ayan noqonin sokeynimo qaraabo, kuwa ku walaalooba Eebba dartiina waa Xizbiga Ilaahay ee liibaanu u dambayn. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Eebbow ha ugu yeelin faajir iyo faasiq gacan iyo nicmo agtayda.” Al-Mujaadilah (20-22)

 

Suurat al-Xashr

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaa Eebbe nazaha [sharrifa] waxa cirka iyo dhulka ku dhex nool, waana xoog badane falsan.
  2. Eebbe waa kan ka bixiyey kuwii gaaloobay ee ahlu-Kitaabka ahaa [Yuhuud] guryahoodii kulmintii hore, idinkoon u malaynin inay bixi iyana waxay u maleeyeen in guryahoodu wax ka celin, markaasaa Eebbe uga yimid meel ayan filayn, qalbigoodana wuxuu ku tuuray cabsi, guryahooda waxay ku kharribeen [ku halleeyeen] gacmahooda iyo gacmaha kuwa rumeeyey, ee dadka caqliga leh ha waano qaato.
  3. Haddaan Eebbe xukumin inay baxaan waxaa lagu caddibi lahaa adduunka, Aakhirana waxaa u sugnaaday cadaab Naareed.
  4. Maxaa yeelay Ilaahay iyo Rasuulkiisa yey khilaafeen, ruuxii Eebbe khilaafana ciqaabtiisu waa daran tahay.
  5. Wixii aad goysaan oo geed ah [ee cadawga] ama aad daysaan iyadoo ku taagan salkeeda waa idinka Eebbe iyo inuu dulleeyo faasiqiinta.

 

Yuhuuddii magaalada Madiino joogtay yaa Nabiga (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa Eebbe ha yeelee) khiyaantay, hase ahaatee waxaa u dambeeyey dulli iyo ciqaab illeen Ilaahay iyo Rasuulkiisa yey la colloobeen sida caadada Yuhuudduba tahay had iyo jeer, waana in lagu waano qaato xaalkaas Jidka Toosanna la qaadaa. Al-Xashr (1-5)

 

  1. Wixii xoola ah ee Ilaahay Nabiga ugasoo celiyo gaalada isagoon fardo iyo awr lagu dagaallamin waxaa amarkiisa leh Nabiga Eebbana cidduu doono yuu ku diraa Rasuulkiisa, wax walbana Eebbe waa karaa.
  2. Wixii xoola ahaa ee Ilaahay kusoo celiyo ee uga yimaada degmooyinka Yuhuudda Rasuulkiisa, waxaa leh Ilaahay, Rasuulka, qaraabada, agoonta, masaakiinta iyo musaafiriinta [socdaalka] si ayan u noqon wax ku wareegaysta kuwa hodanka ah dhexdooda wuxuu Rasuulku dadka siiyo ama faro waa inay qaataan, wuxuu ka reebana waa inay ka reebmaan, Eebbana waa in laga dhawrsado, maxaa yeelay ciqaabtiisu waa daran tahay.
  3. Waxaa xoolahaas wax ku leh kuwa saboolka ah ee kasoo hijrooday guryahoodii iyo xoolahoodii dar Eebbe iyo gargaarka Ilaahay iyo Rasuulkiisa, waana kuwa ku run sheegay iimaankooda.

 

Xoolaha gaalada si dagaal la‘aan ah uga yimaada waxaa loo yaqaan Fay waxaana lagu bixin jidadka khayrka ah ee aayaddu tilmaantay, dadka Xaqa rumeeyeyna waxaa ku waajib ah inay maqlaan hadalka Rasuulka Muxamed ah (naxariis iyo nabad gelyaba Eebbe korkiisa ha yeelee) waana in ciqaabta Eebbe laga dhawrsadaa. Al-Xashr (6-8)

 

  1. Kuwii Madiino degganaa ee Xaqa rumeeyey waxay jecel yihiin dadka usoo hijroon [u soo qixi] wax necbaansho ahna laabta uma geliyaan dadkaas waxay siin, waxayna naftooda ka hormariyaan (ay uga doori) dadkaas inkastaba iyagu gaajo ha haysee, ruuxii laga dhawro bakhaylnimada naftiisa waa mid liibaanay.
  2. Kuwa imaan asxaabta Nabiga kadib waxay Eebbe weydiisan inuu u dambi-dhaafo iyaga iyo walaalahooda iimaanka uga hormaray uusan qalbigoodana xiqdi yeelin kuwa rumeeyey Eebbena waa naxariis badane.

 

Ansaartii Nabiga (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa Eebbe ha yeelee) waxay ahaayeen duul la-yaab leh, siday u jeclaayeen una taakuleeyeen Muslimiintii soo hijrootay ee Makka kasoo qaxay Eebbe dartiis, iyagana naftooda uga doori jireen (Eebbe haka raalli noqdee) kuwa Xaqa rumeeyey ee dib ka imaan waa inay jeclaadaan Muslimiinta ka horreysay uguna duceeyaan dambi-dhaaf iyo khayr illeen dadaal badan bay Islaamka u sameeyeene. Nabigu wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Dulmi iska jira, waa mugdiga Qiyaamee. Bakhaylnimana iska jira iyadaa halaagtay kuwii idinka horreeyeyee.” Waxaa wariyey Muslim. Al-Xashr (9-10)

 

  1. Ma ogtahay in kuwii munaafiqiinta ahaa ay ku dhihi kuwii gaaloobay ee Yuhuudda ahaa, “Haddii laydin bixiyo waan idinla jiraynaa, cid aan idiin maqlaynana ma jirto waligeed, haddii laydin la dagaallamana waan idiin gargaaraynaa,” Ilaahayna waa ogyahay inay beenaalayaal yihiin.
  2. Haddii la bixiyo Yuhuudda lama baxaayaan haddii lala dagaallamana uma gargaarayaan, hadday isku dayaan inay u gargaaraanna way carari loomana gargaarayo.
  3. Mu‘miniinta yey uga cabsi badan yihiin Yuhuuddu Ilaahay, maxaa yeelay waa dad aan wax garad ahayn.
  4. Kuwa Xaqa rumeeyeyna lama dagaallami karaan dhufaysyo iyo gidaarro dhexdood mooyee, dhibka dhexdooda ahna waa daran yahay quluubtooduna waa kala tagsan tahay, maxaa yeelay waa dad aan wax kasayn.

 

Munaafiq had iyo jeer wuxuu la joogaa dhibka Muslimiinta, munaafiqiintii Madiino joogayna waxay gacan siin jireen Yuhuudda oo ay ka dhigan jireen sokeeye labada qolobana waxay ahaayeen, yihiinna had iyo jeer colka Diinta Islaamka waana laga adkaan haddii dad toosan oo Xaqa rumeeyey la helo, maxaa yeelay waa wax-ma-garad. Al-Xashr (11-14)

 

  1. Waxay la mid yihiin gaaladii dhawaa ee ka horreeyey ee dhadhamiyey cidhibtii camalkooda, cadaab daranna u sugnaaday.
  2. Waxay la mid yihiin Shaydaan, waa ka dadka “Gaalow” ku dhaha, markay gaaloobaanna ku yidhaahda, “Bari baan kaa ahay [waxba isuguma keen jiraan],” oo sheegta inuu Ilaahay ka yaabi.
  3. Markaasay labadooduba cidhibtoodu noqon Naar ay ku waaraan, daalimiintana saasaa lagu abaal mariyaa.
  4. Kuwa Xaqa rumeeyey waa inay Eebbe ka dhawrsadaan, naf walbana waa inay eegtaa waxay u hormarsatay barri [Qiyaamaha] Eebbena ha laga yaabo illeen wax walba waa ogyahaye.

 

Kibir iyo isla-weyni wax ma tarto, aaway kuwii is-kibriyey ee beeniyey Nabiyadii ka horreeysay Nabi Muxamed (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa Eebbe ha yeelee), gaaladuna wax bay dhumiyaan sida Shaydaanka, ciddii wax dhumisa iyo midda la dhumiyaba waxay cidhibtoodu noqon khasaare iyo Naar. Al-Xashr (15-18)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyey waa inayan noqon sidii kuwii Eebbe hilmaamay, isna markaas uu hilmaansiiyey naftooda waana kuwo faasiqiin ah [Xaqa ka leexday].
  2. Ma eka ahlu-Naarka iyo ahlu-Jannaha, ahlu-Jannuhu waa kuwa liibaanay.
  3. Haddii Qur’aankan Eebbe buur ku dejiyo [kula hadlo] waxaad arki lahayd buurtii oo khushuucsan oo dillaaci cabsi Eebbe darteed, saasaa Eebbe matallo ugu sheegaa dadka inay fikiraan darteed.
  4. Eebbe mooyee Ilaah kale [xaq lagu caabudo] ma jiro, waxa maqan iyo waxa joogaba waa ogyahay, waana kan naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.
  5. Ilaahay isaga mooyee Eebbe kale ma jiro, waa Xaakim Daahir ah, nabadgeliye, rumeeye, wax walbana ilaaliye xoog iyo weynaan isagaa leh, waana ka nazahan yahay waxay cibaadada la wadaajinayaan.
  6. Eebbe waa kan wax abuura ee ahaysiiya sawirana, magacyo fiicanna wuu leeyahay waxaana Eebbe u tasbiixsada [weyneeya] waxa cirka iyo dhulka ku sugan, waana adkaade falsame.

 

***Ruuxa Xaqa rumeeyey waa inuu had iyo jeer Eebbe xuso, Jidka fiicanna waa inuu qaadaa illeen Janno iyo rumeeyaa kuna dhaqmaa, Ilaaha awoodda leh kuna xirraadaa. Al-Xashr (19-24).

 

Suurat al-Mumtaxinah

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, haka dhiganina colka Eebbe iyo colkiina [gaalada] sokeeye aad jacayl u gudbinaysaan, iyagoo ka gaaloobay Xaqa idiin yimid, oo haddana bixiya Rasuulka iyo mu’miniinta inaad Eebbe rumeyseen darteed Jidka Ilaahayna ku dagaallanteen raalli ahaanshaha Eebbe idinkoo rabo, kuwaas ood u qarisaan jacayl, Ilaahayna waa ogyahay waxaad qarinaysaan iyo waxaad muujinaysaanba, ruuxii saas yeelana Jidka Xaqa ah wuu ka dhumay.
  2. Hadday idin helaan [gaaladu] waxay idiin noqon col, gacmaha iyo carrabkana xumaan bay idiinku taagi, waxayna jecel yihiin inaad gaalowdaan.
  3. Qaraabada iyo carruurtu waxba idiin ma taraan maalinta Qiyaame waana laydin kala kaxayn, Ilaahayna waa arkaa waxaad camal falaysaan.

 

Colka Eebbe iyo colkaaga inaad saaxiib ka dhigataa ma habboona, gaaladuna waxay Muslimiinta kula colloobeen waa Diinta Islaamka ah kaliya, ruuxii Muslim sheegan oo gaalo cadaw ah jacayl u qariyana waa ruux dhumay oo leexday, gaaladana sokeeyannimo ma leh ee waa in saa lala socdaa. Aayaduhuna waxay soo dageen mar Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) uu u darbaday in Makko lasoo furo markaas nin gaadhsiiyey reer-Makkaad arrintaas. Al-Mumtaxinah (1-3)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyey waa inay ku daydaan Nabi Ibraahim iyo kuwii la jiray, waa kuwii iska bari yeelay gaaladii qawmkoodii ahayd [ay isla noolaayeen] iyo waxay caabudayeen ee Eebbe kasoo hadhay oy colnimo u muujiyeen ilaa ay Eebbe kaliya ka rumeeyaan, laakiin [Nabi] Ibraahiim wuxuu u dambi-dhaaf weydiiyey aabbihiis, isagoon waxba u hanan karin [intaan laga reebin arrintaas]. Eebbe yeynu talo saaran, isagaan u tawbad keenaynaa, isagaana loo noqon [Aakhiro].
  2. Eebbow hannagu fidnaynin kuwa gaaloobay, noona dambi-dhaaf illeen waxaad tahay adkaade [Caziiz) Falsan.
  3. Haku daydo dadkaas dayasho wanaagsan ruuxii dooni Ilaahay maalinta Aakhiro, ciddiise ka jeedsata Xaqa Eebbe waa ka kaaftoon yahay waana ammaanan yahay.

 

Ruuxa fiican ee sharafta leh ee Eebbe ka yaaba waxa wanaagsanna sameeya, xumaantana ka fogaada waa in lagu daydo sida kan xunba looga fogaado. Eebbana waa in lagu xidhnaado loona tawbad keeno, isagaa loo noqon gaaladana waa inaan la jeclaanin lagana digtoonaadaa. Al-Mumtaxinah (4-6)

 

  1. Wuxuu Eebbe u dhawyahay inuu yeelo jacayl mu‘miniinta iyo kuway la colloobeen ee gaalada Qureysheed ah dhexdooda, maxaa yeelay Eebbe wax walba waa karaa waana dambi-dhaaf badane naxariis badane ah.
  2. Eebbe kama reebayo kuwa Xaqa rumeeyey inay u samo iyo caddaalad falaan kuwa aan Diinta kula dagaallamin guryahoodana ka bixinin, maxaa yeelay Eebbe waa jecel yahay kuwa caadiliinta ah [garsoor].
  3. Eebbe wuxuu ka reebi kuwa Xaqa rumeeyey inay ka sokeeye yeeshaan oo xidhiidhiyaan kuwa Diinta kula dagaallamay ee guryahoodii ka bixiyey gacanna ku siiyey in guryaha laga bixiyo, dadkii kuwaas sokeeye ka dhigtaa wa kuwa daalimiin ah.

 

Eebbeheen isagaa awood leh, cidduu doonana wuu hanuuniyaa, waxaana dhacay in dad gaaladii Qureysheed kamid ah islaameen, wanaag iyo walaalnimana dhex martay Muslimiintii kale, waase inaan gaal kula dagaallamay wanaag loo samaynin, kuwase aan col Muslimiinta la noqonin gaaladana aan gacan ku siinin dhibka Muslimiinta ma reebbana in wanaag loo falo, taasina waxay ina tusin inaan kala garanno colkeenna iyo saaxiibkeenna. Xikmo waxaa ku sugnaaday kaad jeclaan tartiib u jeclow inaad nacdaa laga yaabaa kaad nicbaanna tartiib u nac inaad jeclaataa laga yaabaa maaline. Al-Mumtaxinah (7-9)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, hadday idiin yimaadaan haween mu‘miniin ah oo gaalada kasoo hijrooday [ka soo tegay] imtixaama [inay ka dhab tahay iyo in kale] Eebbaa og iimaankooda, haddaad ogaataan inay Xaqa [dhabnimo] u rumeeyeen waa inaydaan gaalada u celinin, maxaa yeelay xalaal isuma aha meherkiina ha u celiyeen gaalada, inaad is-guursataanna waxba kuma jiro haddaad meher siinaysaan, haweenka gaalooba nikaax isuguma kiin xirna ee ha haysanina, weydiista waxaad meher u bixiseen gaaladuna ha weydiisato waxay meher u bixiyeen, xaaladdaasina waa xukunka Eebbe uu dhexdiina xukumay, Ilaahayna waa ogyahay [waxa la camal falo] waana Falsame.
  2. Hadday u tagaan kuwa haweenkiina kamid ah gaalada [gaaloobaan] markaas kadib la qaniimaysto hala siiyo kuwii haweenkoodu tageen waxay ku masruufeen oo kale, Ilaaha aad rumaysan tihiinna ka dhawrsada.

 

Gaaladu waa inayan Muslimiinta awood ku yeelanin, saas daraadeed hadday soo islaamto haweenay ninkeedu gaal yahay looma celiyo, maxaa yeelay xalaal isuma aha, waase in la imtixaamo si runta loo ogaado, markaas kadib hadday nin Muslim ah guursato dhib kuma jiro iyadoo laysu celin wixii kharash ahaa, taasuna waxay ku tusin inay waajib tahay dhawritaanka sharafta Islaamka iyo ruuxa Muslimka ah, waxaa kale ooy ina tusin caddaaladda Islaamka xataa mucaamilada gaalada. Al-Mumtaxinah (10-11)

 

  1. Nabiyow hadday kuu yimaadaan haween Xaqa rumeeyey si ay kuugula ballantamaan inay Eebbe kaliya caabudaan, waxna xadin, sinaysanna, carruurtoodana dilin, been abuurna ayan la imaan, wax wanaag ah oo la farayna ayan Nabiga ku caasiyin, la ballantan una dambi-dhaaf weydii Eebbe waa dambi dhaafe naxariiste ahe.
  2. Kuwa Xaqa rumeeyow, haka sokeeye dhiganina kuwa Eebbe u carooday oo Aakhirana ka quustay [waa gaaloo dhane] sida gaaladu uga quusatay kuwii dhintay.

 

Ruuxii Xaqa rumeeyey oo la ballantama madaxda Muslimka ah kuna ballan-qaadi inuu xumaanta ka dheeraado wanaagna la yimaada waa in lala ballantamaa, sida Eebbaba faray Nabiga (naxariis iyo nabadgelyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu haweenka Muslimka ah ka oggolaado ballan-qaadka. Tan kale waa inaan gaalo Eebbe u carooday oo Aakhiro iyo maalinta abaal-marinta ka quustay sokeeye iyo qaraabo laga dhiganin, illeen waxaa lagu walaaloobaa caqiidada Islaamkee. Al-Mumtaxinah (12-13)

 

Suurat as-Saff

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaa Ilaahay nazaha [weyneeya] waxa cirka iyo dhulka ku sugan, Eebbana waa adkaade falsan.
  2. Dadka Xaqa rumeeyayow, maxaad u sheegaysaan wax aydaan falaynin?
  3. Waxaa cadho weyn Eebbe agtiisa ku ah inaad sheegtaan wax aydaan falaynin.
  4. Eebbe wuxuu jecel yahay kuwa ku dagaallama Jidkiisa [Jihaadka] iyagoo saf ah oo aad mooddo dhismo laysku dhejiyey [midnimadooda].

 

Samaawaatka iyo dhulkaba wax ku sugan Ilaaheen baa abuuray, isagayna ka amar qaataan wayna u khushuucaan, maxaa yeelay isagaa awood leh, kuwa mu‘miniinta ahna waa inay wax dhab ah qabtaan oo khayr ah ee ayan sheeganin wax ayan falin, maxaa yeelay taas Eebbe ma jecla, waana in Jidka Xaqa ah lagu jihaado si isku duubni ah, si gargaarka Eebbe iyo nasrigiisa loo helo. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Calaamada munaafiqu waa saddex: Hadduu ballamo wuu baajiyaa, hadduu sheekeeyana wuu been sheegaa, haddii la aaminana wuu khayaamaa.” Waa saxiix. As-Saff (1-4)

 

  1. Xusuusta markii [Nabi] Muuse ku yidhi dadkiisii, “Maxaad ii dhibaysaan idinkoo og inaan Rasuul Eebbe idiin ahay?” Markay Xaqii ka iisheen yaa Eebbana sii iilay qalbigooda, Ilaahayna ma hanuuniyo kuwa faasiqiinta ah.
  2. Xusuusta marka [Nabi] Ciise ibnu Maryama ku yidhi Banii Israa’iil, “Waxaan ahay Rasuul Eebbe idiin soo diray oo rumayn Kitaabkii Tawraad ee horreeyey, kuna bishaarayn Rasuul gadaashayda imaan oo magaciisuna yahay Axmed,” markuu xuja cad ula yimidna waxay dheheen kani waa sixir cad.

 

Muslimiintu waxay rumayn Nabiyadii iyo Rusushii Eebbe khalqiga usoo diray oo dhan, iyagoon kala qaadaynin, siday u rumeeyeen Kutubta Eebbe ee saxa ah, waxayna aayadahanu ina tusin in Xaqu mid kaliya yahay, hase yeeshee gaaladu ay kala qaybiyaan si ay qaar u beeniyaan, waxaa kale oo ku cad aayadahan in Nabi Ciise ku bishaareeyey soo-bixitaanka Nabi Muxamed (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa Eebbe ha yeelee), taasina waxay xuja ku tahay gaalada Nabiga beenin. As-Saff (5-6)

 

  1. Yaa ka dulmi badan ruux ku been-abuurtay Ilaahay isagoo loogu yeedhi lslaamka? Eebbe ma hanuuniyo dadka daalimiinta ah.
  2. Waxay doonayaan [gaaladu] inay Nuurka [Xaqa] Eebbe ku bakhtiiyaan afkooda, Eebbena wuu taam-yeeli nuurkiisa haba naceen gaaladuye.
  3. Eebbe waa kan diray Rasuulkiisa isagoo hanuun wada iyo Diin xaq ah si uu [Eebbe] diimaha oo dhan uga sare-mariyo haba naceen mushrikiintuye [gaaladu].

 

Xaqoo la diidaa waa dulmi iyo gardarro, mana aha in ruuxii Xaqa loogu yeedho ka abaal daro oo diiddo iyo beenin kala soo horjeedsado, hasa ahaatee wuxuu Eebbe ballan-qaaday in Xaqu sare maro gaar ahaan hanuunkii uu dunida usoo saaray isagoo usoo dhiibay Rasuulkiisii Maxamed ahaa (naxariis iyo nabadgelyo Eebbe korkiisa ha yeelee), ruuxa caqliga lehna waxaa ku waajib ah in marka Xaq iyo wanaag loogu yeero uu raacaa oo aqbalaa. As-Saff (7-9)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, ma idin tusiyaa ganacsi idinka koriya cadaab daran?
  2. Waxaad rumaynaysaa Ilaahay iyo Rasuulkiisa waxaadna ku dagaallamaysaan Jidkiisa xaqa ah xoolihiinna iyo naftiinna idinkoo u huri, saasaana idiin khayr roon haddaad tihiin kuwo wax og.
  3. Markaas Eebbe dambigiinnuu dhaafi wuxuuna idin gelin Jannooyin ay dhex socdaan webiyaal iyo guryo wanaagsan oo ku dhexyaalla Jannada Cadni [nagaanshaha], taasina waa liibaan weyn.
  4. Arrin kale ood jeceshihiinna [wuu idiin siin] waa gargaarka Eebbe iyo fatxi [guul] dhaw, kuwa Xaqa rumeeyeyna u bishaaree.
  5. Dadka Xaqa rumeeyow, noqda gargaarayaasha Eebbe sidii kuwii Nabi Ciise ibnu Maryama saaxiibbadiis ahaa [Xawaariyintii] ee uu ku yidhi, “Yaa Eebbe iila gargaara,” markaas ay dheheen, “Annagaa ah gargaarayaashii Eebbe.” Kadib ay Xaqa rumaysay koox Banii Israa’iil kamid ah, kooxna ay ka gaalawday; Eebbena ayiday [xoojiyey] kuwii Xaqa rumeeyey [kana adkaadeen cadawgoodii] oo iyagu ka muuqdeen [ka taliyeen] dhulkii.

 

Aayadahan waxay caddayn in ganacsiga ugu khayr badani ee dambiga lagu dhaafo Jannana lagu galo uu yahay Eebbe iyo Rasuulkiisa oo la rumeeyo iyo Jidkiisa oo lagu dagaallamo xoola iyo nafba, si loo daafaco Xaqa loona helo nasri iyo guul, lana noqdo sidii Xawaariyiintii (saaxiibbadii) Nabi Ciise, dhulkana loo hadho isagoo khayr lagu maamuli. As-Saff (10-14)

 

Suurat Al-Jumucah

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaa Eebbe nazihi [weynayn] waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, Ilaahay waa Xaakin xumaan ka daahirane ah aadkade falsame ah.
  2. Eebbe waa kan usoo bixiyey kuwaan wax aqoon Rasuul kamid ah oo ku akhriya korkooda aayaadkiisa [Qur’aankana] bara iyo Sunnada [Nabiga] waxayna horey u ahaayeen kuwo baadi cad ku sugan.
  3. [Waxaa kale oo Eebbe Nabigu u diray] kuwo kale oon weli la kulmin kuwaas, Eebbena waa Adkaade Falsame ah.
  4. Arrintaasuna [Islaamka iyo Nabiga lasoo diray] waa deeq Ilaah, wuxuuna siin ruuxuu doono, Eebbana waa deeq iyo fadli weyne.

 

Waxaa Ilaahay u khushuuca waxa uu ku abuuray cirka iyo dhulka, illeen isagaa awood leh, waana kan addoomadiisa wanaagga u falay ee usoo diray Rasuul bani-Aadam ah, si uu u hanuuniyo waxna u baro, kuwa jooga iyo kuwa imaanba. Xaalkaasna waa xaal weyn oo khayr ah cidduu doono yuuna siiyaa, illeen waa deeq badanee. Al-Jumucah (1-4)

 

  1. Kuwii la faray inay Kitaabka Tawreed [ilaaliyaan] kuna camal falaan [waa Yuhuudda] haddana aan ku camal falin, waxay la mid yihiin dameer xambaarsan kutub badan, waxaana xun mathalka kuwaas beeniyey aayadaha Eebbe, Ilaahayna ma hanuuniyo kuwo daalimiin ah.
  2. Waxaad dhahdaa [Nabiga], “Kuwa Yuhuudda ahow, haddaad sheegateen inaad tihiin awliyo Eebbe dadka kale ka sokow, geeri jeclaada haddaad run sheegaysaan.”
  3. Geerina ma jeclaanayaan weligood waxay hormarsadeen [oo gaf ah] dartiis, Eebbana waa ogyahay kuwa daalimiinta ah.
  4. Waxaad ku dhahdaa geerida aad ka cararaysaan way idinla kulmi, markaasaa laydiin celin Ilaah og waxa maqan iyo wax joogaba, markaasuu idinka warrami [idinka jaazin] waxaad camal falayseen.

 

Waana in Qur’aanka lagu camal falaa lana raacaa, si aan loola mid noqonin Yuhuuddii dayacday Kitaabkii Tawreed, markaas Eebbe ku mathalay dameer kutub lagu raray, jeclaanshaha Ilaahayna wuxuu ku xidhan yahay sida loo caabudo iyo sida loo falo wuxuu ku faray ee ma aha sheegasho inuu ku jecel yahay sida Yuhuuddu fasho, saas daraaddeed waa in Eebbe si dhab ah loo caabudaa illeen isagaa loo noqone. Al-Jumucah (5-8)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, marka laysugu yeedho salaadda maalinta Jimcaha ah aada xusidda Eebbe, wax gadashadana ka taga, saasaa idiin khayr roon haddaad tihiin kuwo wax og.
  2. Markase salaadda la dhammeeyo dhulka ku kala faafa, dalbana [doona] khayrka Eebbe, Ilaahayna xusa in badan waxaad u dhawdihiin inaad liibaantaan.
  3. Markay arkaan tijaaro [ganacsi] ama ciyaar [wax lagu shuqloomo] way aadaan, waxayna kaa tagaan [Nabiyow] adoo taagan [khudbo akhrin], waxaad dhahdaa waxa Eebbe agtiisa ah yaa ka khayr badan ciyaar iyo ganacsiba, Ilaahay waa kan ugu khayr badan inta wax arzaaqda.

 

Salaaddu waa tiirka labaad ee Diinta Islaamka, dadaalkeeduna waa waajib culus ama tan Jumcada ha ahaato ruuxay ku waajibtay ama tan kalee caadiga ah ha noqotee, waana inaan laga shuqloomin mar hadduu waqtigeedu galo, iyadoo waajib tahay in shaqada iyo kasabka xalaasha ah lagu dadaalo, aayadda kow iyo tobnaadna waxay kusoo degtay mar Nabigu (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa Eebbe ha yeelee) uu khudbo Jimco akhrinaayey oo safar badeeca wada soo galay Madiino, markaas dad asxaabtii kamid ah aadeen, sida Eebbe sheegay khayrka agtiisa ah yaa ka wanaagsan ciyaar iyo ganacsiba. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Ruuxii hadla maalinta Jumcada imaamkoo khudbada akhrin wuxuu la mid yahay dameer kutub xambaarsan. Ruuxii ku dhaha aamusna Jumco uma jirto.” Waxaa wariyey Imaam Axmad. Al-Jumucah (9-11)

 

Suurat Al-Munaafiquun

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Markay kuu yimaadaan [Nabiyow] munaafiqiintu waxay dhihi waxaan marag ka nahay inaad tahay Rasuul Eebbe, Ilaahayna waa ogyahay inaad tahay Rasuulkiisii, Eebbana wuxuu marag ka yahay inay munaafiqiintu beenaalayaal yihiin [xagga niyada].
  2. Dhaartooda [beenta ah] yey ka dhigteen gaashaan, dadkane waxay ka iileen Jidkii Eebbe, waxay samayna aad buu u xun yahay.
  3. Saas waxaa ugu wacan inay [xagga muuqa] rumeeyeen haddana [hoosta] ka gaaloobeen, quluubtoodana waa la daabacay [la daboolay] wax xaq ahna ma kasayaan.
  4. Haddaad aragto munaafiqiinta waad la yaabi jidhkooda, muuqooda, hadday hadlaanna waad dhagaysan hadalkooda, waxaadse mooddaa dogobyo la tiirtiiriyey, qayladii yeedhabana way ka cabsadaan, waa col kuwaasi, Eebbena ha lacnado ee xaggee loo duufsan?

 

Suuraddani waxay ka sheekayn munaafiqiinta iyo xumaatadooda, maxaa yeelay xaga muuqaalka waxay sheegan inay Xaqa rumeeyeen, xagga hoosana waxay Islaamka ula joogaan colnimo iyo xumaan, kuwaasi waa ahlu-Naaree yeyna kugu khaldin bidhaanta iyo afka macaan ee suntu ka hoosayso. Al-Munaafiquun (1-4)

 

  1. Marka lagu dhaho munaafiqiinta, “Kaalaya ha idiin dambi-dhaaf weydiiye Rasuulka Eebbe,” waxay ruxaan madaxa [diiddo darteed], waxaad aragtaa iyagoo jeedsan oo is-kibrin.
  2. Waa isku mid haddaad u dambi-dhaaf weydiisid [Nabiyow] iyo haddii kale, marnaba Eebbe u dambi-dhaafi mahayo, maxaa yeelay Eebbe ma hanuuniyo dad faasiqiin ah.
  3. Waa kuwa dhihi [munaafiqiintu] ha quudinina kuwa Rasuulka la jooga intay ka kala tagaan, Eebbaa iska leh khasnadaha samaawaatka iyo dhulka, hase yeeshee munaafiqiintu ma fahansana.
  4. Munaafiqiintu waa kuwa dhihi, “Haddaan Madiino u noqonno waa in kuwa tabarta lihi ka bixiyaan magaalada kuwa dullaysan,” tabar iyo sharaf Eebbaa iska leh Rasuulkiisa iyo mu‘miniinta, hase yeeshee munaafiqiintu ma oga.
  5. Kuwa Xaqa rumeeyow, yaanay idinka shuqlinin xoolihiinnu iyo carruurtiinnu xuska Eebbe [daacaddiisa] ciddii saas fashaana waa mid khasaartay.
  6. Bixiyana wax kamid ah waxa Eebbe idinku arzuqay geerida horteeda oo markaas uu yiraahdo [ruuxaan wax baxsan], “Eebbow maad muddo dhow dib ii dhigtid oon sadaqaysto kuwa suubbanna aan kamid noqdee.”
  7. Naf malaggeed galayna Eebbe dib uma dhigo, Ilaahayna waa ogyahay waxaad camal falaysaan.

 

Isla-waynidu waa xun tahay, mana aha in ruux caqli lihi diido in wanaagga loogu yeedho, hase yeeshee arrinta Ilaahay baa maamula rizqigana isagaa bixiya ee ma aha siday munaafiqiintu moodeen, tan kale waa inaan xoolaha iyo carruurtu sabab u noqonin Eebbe ka-fogaansho, illeen waa khasaare saasiye, waana in wax la baxsadaa geeri ka hor si dadka suubban looga mid noqdo oon hadhowna loo calaacalin, ileen naf malaggeed galay Eebbe ma sugee. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Ruuxii leh xoola gaadhsiiya Xajka Baytka Eebbe ama zako ku waajibtoo falin wuxuu Eebbe warsan markuu dhiman in loo celiyo adduunkii.” Al-Munaafiquun (5-11)

 

Suurat At-Taqaabun

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaa Eebbe nazaha [weyneeya] waxa samaawaatka [cirka] iyo dhulka ku sugan awood iyo mahadbana Eebbaa iska leh, wax walbana isagaa kara.
  2. Eebbe waa kan idin abuuray qaarkiinna gaaluu noqday, qaarkiinna mu‘miniin, Eebbana waxaad camal falaysan waa arkaa.
  3. Samaawaatka [cirka] iyo dhulkaba wuxuu Eebbe u abuuray si xaq ah, wuuna idin sawiray Eebbe, dadow suuraddiinana wuu wanaajiyey, isagaana loo noqon [Aakhiro].
  4. Wuxuu ogyahay waxa samaawaatka [cirka] iyo dhulka ku sugan, wuxuuna ogyahay waxaad qarinaysaan iyo waxaad muujinaysaan, Eebbana waa ogyahay waxa laabta [qalbiga] ku jira.

 

Eebbe waxaa u khushuuca una hoggaansama awooddiisa waxa ku sugan cirka iyo dhulka sida aayado badan sheegeen, isagaana mahad iyo qudraba iska leh, banii-Aadamkana isagaa abuuray Jidkana tusiyey samaan iyo xumaanba, abuurka Eebbana ciyaar ma aha ee waa xikmo iyo imtixaan, waxa dadku camal falana waa ogyahay dhammaantiis, saas daraaddeed waa in niyada iyo qalbigaba la daahiriyo, Eebbana la weyneeyo illeen isagaa awood leh loona noqone. At-Taqaabun (1-4)

 

  1. Miyuuna idin soo gaarin warkii kuwii gaaloobay ee horreeyey? Waxay dhadhamiyeen xumaantii camalkoodii, waxaana u sugnaaday caddibaad daran.
  2. Arrintaas waxaa ugu wacan in Rasuullo ula yimaadeen xujooyin ayna dheheen [gaaladii] “Ma dad baa na hanuunin?” Ayna gaaloobeen oo jeedsadeen, iskana deeqtoonaysiiyeen [weynaysiiyeen] Eebbe, Eebbana waa midka hodanka ah lana mahadiyo.
  3. Waxay sheegeen kuwii gaaloobay inaan lasoo bixinaynin, waxaad dhahdaa, “Saas ma aha, Eebbaa wuxuu ku dhaartay in la idin soo bixin laydinkana warrami waxaad camal fasheen, taasina waa u fududahay Eebbe.”
  4. Ee rumeeya Eebbe iyo Rasuulkiisa iyo nuurka Eebbe soo dejiyey [Qur’aanka] Eebbana waxaad camal falaysaan waa ogyahay.
  5. Maalinta Qiyaamada ee Ilaahay idin soo kulmin waa maalin kado, ruuxiise Ilaah rumeeya camal wanaagsanna fala Eebbe xumaantiisa [dambigiisa] wuu asturi, wuxuuna galin Jannooyin ay dhex dureeraan wabiyaal, way kuna waaraan waligood, taasina waa liibaan weyn.
  6. Kuwa gaaloobayse beeniyeyna aayaadka Eebbe waa kuwa ahlu-Naar ah waxayna ku waari dhexdeeda, meel loo ahaadana iyadaa u xun.

 

Warkii ummaddii hore waxaa looga dan leeyahay in lagu waano qaato lagana leexdo jidkoodii xumaa ee Xaq-diidka iyo madax-adayga ahaa, lana rumeeyo Qur’aanka nuurka Eebbe ah iyo Xaqoo dhan si Eebbe maalinta Qiyaame ee kulminta naxariis iyo Jannooyin inoo siiyo loona gaadho liibaan Eebbe, lagana nabad galo Naar daran oo loo darbay Xaq-diidayaasha. Muqaatilna wuxuu yidhi, “Ma jiro khasaare ka weyn in kuwaasina Jannada galaan kuwaasina lala aado Naarta.” At-Taqaabun (5-10)

 

  1. Wixii musiiba ah [dhib ah] oo dhaca waa idinka Eebbe, ruuxiise Eebbe rumeeya waxaa hanuuni [oo xasili] qalbigiisa, Eebbana wax walba waa ogyahay.
  2. Eebbe adeeca Rasuulkiisana adeeca, haddaadse jeedsataan [Xaqa diiddaan] waxaa Rasuulka saaran uun inuu si cad wax u gaarsiiyo.
  3. Eebbe mooyee ilaah kale [xaq lagu caabudo] ma jiro, isaga uunna ha tala saarteen mu‘miniintu.
  4. Kuwa Xaqa rumeeyow, haweenkiinna iyo carruurtiinna waxaa ka mid ah kuwo col idiin ah ee ka digtoonaada, haddaadse iska cafidaan saamaxdaanna Eebbe waa dambi-dhaafe naxariiste ah.
  5. Xoolihiinnu iyo carruurtiinnu waa uun fidno [ibtilo] Eebbe agtiisaase ajir weyn [ku sugan yahay].

 

Wax walba idinka Ilaah yuu ku dhacaa, ruuxiise Eebbe rumeeya waxaa hanuuni oo toosi xasilina qalbigiisa, saas daraaddeed waa in Eebbe iyo Rasuulkiisa Muxamad ah (naxariis iyo nabadgelyo Eebbe korkiisa ha yeelee) la adeeco waana in Eebbe lagu xidhnaado lana tala saarto wax kastoo Xaqa kaa leexin ama kaa shuqlinna laga digtoonaado, maxaa yeelay Eebbaa wax loo dhawaada ah. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Ilmuhu waa midhaha qalbiga, wayna ku fulayeeyaan, kuna bakhaylsiyaan, kuna walbahaariyaan.” At-Taqaabun (11-15)

 

  1. Eebbe ka dhawrsada intaad kartaan, maqla oo adeecana [weyneeya], waxna baxsada, ruuxii laga dhawro bakhaylnimada naftiisa waa liibaanay.
  2. Haddaad Eebbe amaah fiican amaahsataan [wax sadaqaysataan] Eebbe waa idiin laablaabi, dambigiinana wuu dhaafi, Eebbana waa kan la mahadiyo ee dusha san.
  3. Waxa maqan iyo waxa joogaba Eebbe waa ogyahay waana Adkaade Falsan.

 

Diinta Islaamku ma aha wax lagu dhaqmi waayi oo adag, ee waa fududdahay, Eebbana dadka wuxuu ka rabaa intay karaan uun inay ka yaabaan, waana in Xaqa laysku maqlaa layskuna adeecaa. Waxna la baxsadaa bakhaylnimada iyo xoola-jacaylka daranna laga fogaadaa, si Eebbaha wax walba og inoogu abaal mariyo wanaag iyo khayr. Waxaa sugnaaday, “Haddaan wax idin faro la imaada waxaad kartaan, haddaan idinka reebana ka reebtoonaada.” Waa saxiix. At-Taqaabun (16-18)

 

Suurat Ad-Dalaaq

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Nabiyow haddaad haweenka furaysaan ciddada ku fura [daahir aan la taaban], ciddadana tiriya, Eebbana ka dhawrsada, hana ka bixinina guryahooda [ay joogeen marka la furayey] iyana yeyna ka bixin [yeyna ka tagin] inay xumaan cad la yimaadaan mooyee, taasi waa xuduuddii Eebbe, ruuxii ka tallaaba xuduudda Eebbena naftiisuu dulmiyey, ma ogidin, wuxuu Eebbe u dhawyahay inuu kadib xaal keeno, [jacayl isku noqosho].
  2. Markay ciddada dhammaadkeeda [ku dhawaadaan] si fiican u haysta, ama si fiican u faaruqa, dad caadiliina oo idin kamid ahna marag uga dhiga, maraggana ha u guteen Eebbe dartiis, xaalkaasi waa wacdi ruuxii rumayn Eebbe iyo maalintii dambaysay [Qiyaamada] ruuxii Eebbe ka dhawrsadana wuxuu u furi faraj.
  3. Wuxuuna ka irzaaqi meel uusan ka filanayn, ruuxii Eebbe tala saartana waa ku filan yahay, Eebbana amarkiisu waa fuli, [waxna kama fakado] wax walbana Eebbe wuxuu u yeelay waqti sugan [oo go’an].

 

Is-furiddu waa xaal Diinta Islaamku ayan jeclayn, maxaa yeelay waxaa ku dumi guri iyo qoys, hase yeeshee markay lagama maarmaan noqoto waa bannaan tahay, waase inaan lagu xadgudbin haweenayda la furi, waqti fiicanna la furaa gurigana laga saarin intay ciddada ku jirto, waxaaba laga yaabaa inay isku noqdaan, waana in wanaag lagu wada noolaado, ama wanaag loo kala tago, Eebbana laga yaabo, taladana loo dhiibto illeen wax walba isagaa awoodee si uu faraj inoogu furo. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Ruuxii badiya dambi-dhaaf warsi wuxuu uga yeelaa Eebbe murug walba faraj, cidhiidhi walbana ka-bixid, wuxuuna ka arzaaqaa meel uusan ka filayn.” Waxaa wariyey Imaam Axmed. Ad-Dalaaq (1-3)

  1. Haweenkiinna caadada ka quustay haddaad shakidaan ciddadoodu waa saddex bilood, kuwaan caada lahayn waa sidaas oo kale, haweenka uurka leh ciddadoodu waa inay umulaan [dhalaan], ruuxii Eebbe ka dhawrsadana wuxuu u fududayn amarkiisa.
  2. Kaasi waa amarkii Eebbe uu idiin soo dejiyey, ruuxii Eebbe ka dhawrsadana xumaantiisuu asturaa ajirkiisana wuu weyneeyaa.
  3. Dejiya haweenkaas [ciddada ku jira] meelahaad daggan tihiin eed heli kartaan, hana dhibina si aad u ciriiridaan, hadday uur leeyihiinna nafaqeeya [masruufa] intay ka umulaan [ka dhalaan], hadday ilmaha nuujiyaanna siiya ujuuro, wanaagna is-fara, haddii laysku qabto nuujintana mid kale ayaa nuujin.
  4. Haka nafaqeeyo [masruufo] midka awood xoola leh awooddiisa, kan wax yarna haka nafaqeeyo waxa Eebbe siiyey [ee uu karo], Eebbana kuma mashaqeeyo naf wuxuusan siinin, Eebbana wuxuu yeeli cidhiidhi dabadiis fudayd [faraj].

 

Diintu waxay u timid inay dadka u caddayso arrimahooda, saas daraaddeed aayadahanu waxay ka warrami ciddada haweenka la furo, taas oo ah in haweenayda aan caada lahayn ay saddex bilood tirsan tan uurka lehna markay umusho, xaalkaasna waa arrin Eebbe soo dejiyey, tan kale waa in hooy loo yeelaa intay ciddada ku jirto, lana masruufo, ruux walbana awooddiisa uu ka masruufo, illeen Eebbe dadka kuma kallifo [mashaqeeyo] waxayna awoodine, ciddii Ilaahay ka yaabta kuna xidhnaatana Eebbe faraj yuu u furi xaalkiisana wuu fududayn. Waxaana soo sheegnay in cidhiidhi kasta Eebbe ka yeelo faraj sida Imaam Axmed wariyey. Ad-Dalaaq (4-7)

 

  1. Maxay badan tahay magaalo caasiday amarka Eebbe iyo Rusushiisa, markaas Eebbe xisaabay xisaab daran caddibaad adagna caddibay.
  2. Oo dhadhamisay cidhibtii xaalkaa xumaantiisa, cidhibteediina ku dambaysay khasaare.
  3. Eebbe wuxuu u darbay kuwaas caddibaad daran, ee Eebbe ka dhawrsada kuwa caqliga lahaw ee rumeeyey, Ilaahay wuxuu idiin soo dejiyey Qur’aane.
  4. Rasuulna wuu idiin soo diray kaasoo idiin akhriya aayaadka Eebbe ee cadcad si uu kuwa mu‘miniinta ah camal wanaagsanna falay uga bixiyo mugdiga nuurkana ugu bixiyo, ruuxii Eebbe rumeeya camal wanaagsanna fala wuxuu gelin Jannooyin ay dureerayso dhexdeeda wabiyaal wayna ku waari waligood, Eebbe waa wanaajiyey kuwaas rizqigooda.
  5. Eebbe waa kan abuuray toddobo samo dhulkana kala mid dhigay, amarka Eebbena wuxuu kusoo degaa dhexdooda, si aad u ogaataan in Eebbe wax walba karo wax walbana koobay.

 

Kibir iyo isla-weynan, madax-adayg iyo Xaqoo laga horjeedsado waxay cidhibtiisu noqotaa halaag iyo caddibaad daran, siday la kulmeen gaaladii saas falay ee horreeyey, hase yeeshee dadka Xaqa rumeeyey ee caqliga leh waa inay aad ugu waana qaataan kuwaas, Eebbana ka dhawrsadaan, illeen waa ka Qur’aanka usoo dejiyey, Rasuulna usoo direy, mugdigana ka saaray, nuurna u bixiyee, si markaas wanaag iyo Janno loogu abaal mariyo, maxaa yeelay Eebbe waa kan awoodda leh, wax walbana abuuray wax walbana cilmigiisu koobay. “Ruuxii dulmiya taako dhul ah waxaa madaxa loo galiyaa toddobada dhul.” Waa saxiix. Ad-Dalaaq (8-12)

 

Suurat at-Taxriim

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Nabiyow maxaad u xarrimi wax Eebbe kuu xalaaleeyey si aad u raalli geliso haweenkaaga? Eebbe waa dambi-dhaafe naxariista ah.
  2. Eebbe waa idiin caddeeyey waxa dhaartiinnu ku xalaaloobi, Eebbena waa gargaarihiinna, waana wax walba oge falsan.
  3. [Ma xusuusan] waqtigii Nabigu ku qarsaday haweenkiisa qaarkood hadal, markaas ay ka warrantay xaalkii, Eebbana uu [Nabiga] u daahiriyey, markaas [Nabigu] uu ogeysiiyey qaarkiis [haweenaydii] qaarna uu ka dhaafay, markuu u warramay ay tiri, “Yaa kuu sheegay xaalkan?” Kuna yiri, “Waxaa ii warramay Eebbaha wax walba oge ah ee yaqaana.”
  4. Haddaad Eebbe u noqotaan inkastoo qalbigiinnu iishay [Eebbe wuu idiin dhaafi] haddaadse isu kaalmaysataan [Nabiga dhibkiisa] waxaa u gargaari Eebbe, Jibriil iyo kuwa suubban ee mu‘miniinta ah, malaa‘igta [kalana] markaas kadib yey xoojin.
  5. Wuxuu Eebbe u dhawyahay in [Nabigu] hadduu idin furo [haweenka Nabiga qaarkood] idiinkuna beddelo kuwa idinka khayr roon oo ah Muslimiin, mu‘miniin ah, adeeca Eebbe, tawbad keena, Eebba caabuda, soomana, kuwa horay loo guursaday iyo kuwo aan hadda ka hor la guursanba leh.

 

Aayadahanu waxay kusoo degeen mar uu Nabigu (naxariis iyo nabadgelyo korkiis Eebbe ha yeelee) caano ama malab uu kasoo dhadhamiyey guri haweenaydiis, markaas uu kuwa kale qalbigoodu wax galay, Eebbana isagaa wax xalaaleeya waxna xarrima, saas daraaddeed yuu Nabiga ugu jeediyey arrintaas, tan kale waa inaan la isku kaalmaysan dhib iyo wax yeello ee laysu kaalmaystaa wanaag iyo sama-fal, Eebbana waa gargaaraha Rasuulkiisa iyo mu‘miniinta. Masruuqna wuxuu yidhi, “Nabiga waxaa la faray inuu dhaartii ka kafaaro-guto.” At-Taxriim (1-5)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, ka dhawra naftiinna iyo ehelkiinna naar lagu shido dad iyo dhagax ay kana [shaqeeyaan] malaa‘ig adag oo daran oon Eebbe ku caasiyeyn wuxuu faro, falana wixii la amro.
  2. Kuwa gaaloobow, ha cudur-daaranina maanta [Qiyaamada] waxaa laydinka abaal marin uun waxaad camal-fali jirteen.
  3. Kuwa Xaqa rumeeyow, u tawbad keena Eebbe tawbad san, wuxuu Eebbe u dhawyahay inuu asturo xumaantiinna, idin geliyana Jannooyin ay dureerayso dhexdooda wabiyaal, maalinta uusan Eebbe hoojinayn Nabiga iyo kuwa la jooga, nuurkooduna wuxuu socon hortooda iyo midigtooda iyagoo dhihi, “Eebbow noo taam-yeel nuurkannaga, noona dambi-dhaaf, adaa wax walba karee.”
  4. Nabiyow la jihaad gaalada iyo munaafiqiinta kuna adkow, hoygooduna waa Jahannamo meel loo ahaadana iyadaa u xune.

 

Dadka Xaqa rumeeyey waa inay ehelkooda khayrka faraan si ay uga nabad galaan Naar dadka iyo dhagaxa lagu huriyo, malaa‘ig daranna oo amarka Eebbe fulisana ay ka shaqayso, si ayna u noqonin sida kuwa Xaq-diidka ah ee loo dhihi, “Ha cudur-daaranina maanta,” waana in Eebbe tawbad dhab ah loogu tawbad keeno si uu wanaag iyo dambi-dhaaf noogu abaal mariyo maalinta Nabiga iyo intii raacday Eebbe u sama-fali illeen wax walba isagaa karee, gaalada iyo munaafiqiintana waa in lala jahaado si Jidka Toosan loo tusiyo. Rasuulkana (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) waxaa la warsaday tawbada nasuuxa ah (toosan), wuxuuna yidhi, “Waa in la qoomameeyo dambiga markuu kaa dhaco, ood markaas Eebbe dambi-dhaaf warsato, oodan una noqonin.” At-Taxriim (6-9)

 

  1. Eebbe wuxuu tusaale uga dhigay kuwa gaaloobay haweenaydii [Nabi] Nuux iyo [Nabi] Luud, waxaa qabay laba addoon oo Eebbe oo suusuubban, markaasay khiyaameen [Nabiyadaas] waxbana ugama ayan tarin Eebbe agtiis, waxaana loo dhihi labadaas haweenay, “La gala Naarta kuwa galaya.”
  2. Waxaa kale oo Eebbe tusaale uga dhigay kuwa rumeeyey haweenaydii Fircoon markay tidhi, “Eebbow guri agtaada iiga dhis Jannada dhexdeeda, igana nabad geli Fircoon iyo camalkiisa, igana nabad geli dadkaas daalimiinta ah.”
  3. Maryama bintu Cimraanna [xusuusta] ee is-dhawrtay, markaas malaggu jeebka ka afuufay, rumaysayna sharciga Eebbe iyo Kutubtiisaba, kana mid noqotay kuwa Eebbe adeeca.

 

Ruux xumaanlaw ah wax uma tarto la nooli dad fiican hadduusan wax qaadanaynin, sida haweenkii Nabi Nuux iyo Nabi Luud iyo wixii la mid ahaa. Sidoo kale ruuxii wanaagsan xumaan qof kale wax ma yeesho hadduusan ka raalli ahayn sida haweenaydii Fircoon, Maryama bintu Cimraan oo Nabi Ciise hooyadiis ahayd xaalkeeduna la-yaab buu lahaa waxayse ku tusin in Eebbaha bani-Aadamka abuuray uu siduu rabo wax u falo saasna waa in la rumeeyo. Nabiguna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Waxaa kaamil noqday ragga wax badan, haweense waxaa ka kaamil noqday Aasiyadii Fircoon, Maryama bintu Cimraan, iyo Khadiijo bintu Khuweylid, fadliga Caa‘isho ee haweenkana waa sida thariidka iyo cunnada kale.” Bukhaari iyo Muslim. At-Taxriim (10-12)

 

***

Suurat al-Mulk

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaa barako badnaaday [oo weynaaday] Eebbaha xukunku awooddiisa ku jiro ee wax walbana kara.
  2. Eebbaha abuuray geeri iyo nololba, si uu dadow idiin imtixaamo kiinna camal fiican, Eebbana waa adkaade dambi-dhaafe ah.
  3. Eebbe waa midka abuuray toddobo samo oo is-dulsaaran kuna arki maysid abuurka Eebbaha Raxmaanka ah kala tagsani, bal daymada celi inaad aragto wax dillaac ah.
  4. Haddana celi daymada waxaa kugu soo noqon aragga oo dhibban daallanna.
  5. Eebbe wuxuu ku qurxiyey samada dhow nalal [xiddigaha] wuxuuna ka dhigay xiddigahaas kuwo lagu gano shayaadiinta. Wuxuuna Eebbe u diyaariyay kuwaas Naarta Saciiro.

 

Eebbe khayrkiisu waa badan yahay wax walbana awooddiisay ku hoos jiraan wuxuu doonana wuu karaa, dadkana waxaa loo abuuray in la imtixaano kooda camal Aakhiro iyo kan aduunkaba wanaajiya, Eebbe abuuriddiisa uu cirka abuurayna wax dhaliil ah loo heli maayo sida khalqigiisa kalaba, xiddigahana Eebbaa abuuray iyagoo nalal u ah circa, shayaadiintana lagu eryo, Eebbaha awooddaas leh waa in la caabudo, Jidka uu farayna lagu socdaa. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Eebbe wuxuu ku dulleeyey Banii Aadamka geeri, wuxuuna ka yeelay adduunka guri nolol iyo geeri, kana yeelay Aakhirana guri abaalmarin iyo waarid.” Waxaa wariyey Ibnu Abii Xaatim. Al-Mulk (1-5)

 

  1. Kuwa ka gaaloobay Eebbahood waxaa u sugnaaday caddibaadda Jahannamo, meel loo ahaadana iyadaa u xun.
  2. Marka [gaalada] lagu tuuro Naarta waxay ka maqli cod xun oo daran iyadoo karaysa.
  3. Waxay u dhawdahay inay cadha daraaddeed la kala dillaacdo, marka koox [gaala ah] lagu ridaba waxaa warsada malaa‘igta Naarta ka shaqeysa iyagoo ku dhihi, “Miyuusan idiin imaanin wax idiin diga?”
  4. Waxayna ugu jawaabi, “Waa noo yimid wax noo diga waanse beeninay, annagoo leh ma soo dejinin Eebbe waxba, idinkuna waxaad ku sugan tihiin baadi weyn.”
  5. Gaaladii waxay dhaheen. “Haddaan wax maqlaynno ama aan wax kasayno Naarta Saciiro ehelkeeda ma aanaan noqoneen.”
  6. Waxay qirteen [gaaladu] dambigoodii waxaana u sugnaatay fogaansho Naarta Saciiro ehelkeeda.

 

Xaq-diidayaashu waxay geli Naar daran oo karaysay qaylana leh, malaa’igtuna si canaan iyo guulguul ah yey u warsataa in Rasuul u diga loo soo diray iyo in kale, iyaguna way qirtaan in Rasuul loo soo diray ayse beeniyeen Xaqqiina diideen, wayna calaacaleen iyagoo leh, “Haddaan wax kasayno Naar ma aanan galleen,” saas daraadeed waa in Eebbe laga yaabo laguna waano qaato arrintaas. Waxaa sugnaaday, “Dadka lama halaago intay naftoodu ka garaabaan.” Al-Mulk (6-11)

 

  1. Kuwa Eebbe ka yaaba iyagoon la arkaynin [Eebbe mooyee] waxaa u sugnaaday dambi-dhaaf iyo ajri weyn.
  2. Ama hadalka hoos u dhiga dadow ama kor u qaada Eebbe waa ogyahay waxa laabta ku jira.
  3. Ma waxaan wax ogeyn Eebbaha wax walba abuuray ee wax walba daalacan?
  4. Eebbe waa kan dhulka ka dhigay mid laylyan ee ku socda waddooyinkiisa kana cuna quudkiisa Eebbaana dadka loo soo kulmin [Qiyaamada].
  5. Miyaad ka aamin noqoteen Eebbaha Sare inuu dhulka idin la gooyo, ayna idinla dhaqdhaqaaqdo?
  6. Miyaadse ka aamin noqoteen Eebbaha Sare inuu dhagaxyo Naar ah idinku soo daadiyo? Waad ogaan doontaan digniinta Eebbe cidhibteeda.
  7. Waxaa Eebbe beeniyey gaaladii [Reer Makkaad] ka horreeyey, sidayse ahayd ciqaabti Eebbe?

 

Dadka Eebbe dhabnima u rumeeyey way caabudi kana dhawrsan xumaanta iyagoon arkaynin ama dad hala joogeen ama keli ha ahaadeene. Eebbana wuxuu ku abaal-marin dambi-dhaafkiisa, Eebbaha wax walba og ee dhulka laylyey ee Qiyaamada loo soo kulmi miyaa ciqaabtiisa cidna ka aamin noqon kartaa? Dadka xun iyo gaaladaba waxa u caada ah inay Eebbe beeniyaan, waxaase ku dhici ciqaabta Eebbe, waxaana ka nabad geli ruuxii waddada Eebbe qaada. Toddobada Eebbe hadheeyo maalinta Qiyaame waxaa ka mid ah kuwa Eebbe ka yaaba iyo kuwa xusuusta iyagoo kali ah indhahooduna ilmeeyaan. Waa saxiix. Al-Mulk (12-18)

 

  1. Miyeyna dadku arkaynin shimbirka korkooda ah marna baalka fidin marna laabi, wax haya oon Eebbaha Raxmaan ahayna uusan jirin? Eebbana wax walba wuu arkaa.
  2. Waa kuma gargaaraha Eebbaha Raxmaan ah kasoo hadhay ee u gaargaari gaalada? Gaaladu waxay ku sugan yihiin kadsoomid.
  3. Waa kuma kan wax quudiya haddii Eebbe haysto rizqigiisa? Gaaladu waxay ku madax-adaygeen isla-weyni iyo Xaq-diidnimo.
  4. Midkee wanaagsan ruux wajiga ku socda iyo mid si toosan oo siman wadda toosan ugu socda?
  5. Dheh [Nabiyow] Eebbe waa midka dadkow idin ahaysiiyey, maqal, arag iyo caqlina idiin yeelay, wax yar baadse Eebbe ku shukridaan.
  6. Dheh Eebbe waa midka dadkow dhulka idinku beeray isagaana [Qiyaamada] loo soo kulmin doonaa dadka.

 

Eebbe awooddisa yaa wax walba ka sarreysa, gargaare, quudiye, abuure iyo wax walba ogaadana waa isaga, maalinta Qiyaamana waa la hor imaan, ruux walbana wuxuu ku abaal-marin camalkiisa. Nabiguna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), markii la warsaday sidee dadka loogu soo kulmin wajigooda, “Eebbaha ku socodsiiyey lugahooda wuxuu karaa inuu ku socodsiiyo wajigooda.” Al-Mulk (19-24)

 

  1. Waxay dhihi [gaaladu], “Waa goorma waqtiguu dhici waxa naloogu gooddin haddaad run sheegaysaan?”
  2. Dheh Eebbaa og goortaas, waxaanse ahay anigu u dige cad [muuqda].
  3. Markaysa [gaaladu] Naarta oo u dhow arkaan waxaa xumaan oo doorsoomi wajiga gaalada, waxaana lagu dhihi, “Waaka caddibaaddii aad doonayseen [dedejisanayseen].”
  4. Dheh balse ka warrama haddii Eebbe aniga [Nabiga] iyo inta ila jirta uu halligo ama u naxariisto yaa gaalo ka korin caddibaad daran?
  5. Dheh Eebbe waa Raxmaan waana rumaynay, waana tala saarannay, waadse ogaan doontaan [gaalooy] cidda baadi cad ku sugan.
  6. Dheh balse warrama hadday biyuhu dhulka ku gudhaan yaa idin siin biya durduri? [Ma jiro Eebbe waxaan ahayn.]

 

Dadka xun had iyo jeer aad uma fikiraan saas daraaddeed waxay ku hadlaan gafaf iyo xujooyin qiimo daran, Nabiguna (naxariis iyo nabadgelyo Eebbe korkiisa ha yeelee) shaqadiisu waa inuu dadka wanaag ugu yeedho, xumaantana uga digo, wax walbase Eebbaa kara oo og, markase uu gaalada haleelo caddibaad daran yey ogaan doonaan dhabta iyo xaqiiqada, gargaarka kuwa Xaqa rumeeyey iyo imtixaankoodaba Eebbaa leh, gaalana caddibaad kama baajinayso, ee waa in Eebbaha Raxmaan ee awoodda leh ee dadka quudiya isaga uun la caabudaa lagana yaabaa. Al-Mulk (25-30)

 

Suurat al-Qalam

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Nuun. [Eebbe wuxuu ku dhaartay] qalinka iyo waxa [malaa‘igtu] qorayso [camalka dadka].
  2. Ee [Nabiyow] nicmada Eebbe darteed lama waallid.
  3. Waxaana kuu sugnaaday ajri aan go’ayn.
  4. Waxaana kuu sugnaaday dabeeco [fiican] oo weyn.
  5. [Nabiyow] waad arki doontaa, [gaaladuna] way arki doonaan.
  6. Kiinna waalan [ama la caddibo].
  7. Eebba waa ogyahay cidda ka dhunta Jidkiisa, waana ogyahay cidda hanuunsan.
  8. Ee [Nabiyow] ha maqlin Xaq-beeniyayaasha [warkooda].
  9. Waxay jecel yihiin inaad u iilato iyana kuu soo iishaan.
  10. Ha maqlin dhaar-badane dhammaantiis oo dullaysan.
  11. Oo xanlow ah, isku diraa ah.
  12. Khayrka iyo xoolahana reebta, gardarrow iyo dambiile ah.
  13. Xumaantana ku madax-adag isku dhejisna ah [xumaanlow ah].
  14. Inuu xoolo iyo wiilal uu leeyahay darteed [yuu saas u falay].
  15. Marka Qur’aankannaga lagu akhriyana wuxuu dhahaa, “Waa dadkii hore warkoodii.”
  16. Wuxuuse Eebbe ka calaamayn sanqaroorka.

 

Eebbe Nabiga wuxuu ugu nicmeeyey ajri weligii socda iyo akhlaaq wanaagsan, dadkuna iskuma qasna Eebbe agtiisa, cid walba mid toosan iyo mid dhunsan, weligaana ha maqlin warka ruuxa xanlowga ah, beenlowga ah, isku diraaga ah, xumaan-jacaylka ah. Nabigana (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) waxay ahayd dabeecadiisu Qur’aanka siday Caa‘isha sheegtay. Wuxuuna yidhi, “Jannada ma galo namiimiye.” Al-Qalam (1-16)

 

  1. Eebbe wuu imtixaanay gaaladii [Reer Makkaad] sidii loo imtixaanay kuwii beerta markay ku dhaarten inay aroortii goostaan.
  2. Iyagoon dhihin haddii Eebbe idmo.
  3. Waxaase beertii xagga Eebbe uga yimid amar iyagoo hurda.
  4. Waxayna noqotay wax la shafay oo kale.
  5. Wayna isu dhawaaqeen subaxdii.
  6. Iyagoo leh, “Kallaha oo beerta goosta.”
  7. Wayna tageen iyagoo codka hoos u dhigi.
  8. Inaan beerta maanta miskiin soo gelin.
  9. Wayna kallaheen iyagoo diiddan [in miskiin usoo galo].
  10. Markii ay arkeen beertii siday tahay yey isu dhaheen, “Waan soo dhunnay.”
  11. Haddana way is-garteen waxayna dhaheen, “Ma ehee waa la ina hoojiyey.”
  12. Markaas kii u fiicnaa yiri, “Miyaana idin dhihin war Eebbe weyneeya?”
  13. Markaasay dheheen, “Eebbaa weyn, waan xad gudubnay.”
  14. Markaasaa qaarba qaar ku jeedsaday iyagoo is-dagaali.
  15. Waxayna dheheen, “Magacaana ba‘ye waan xad gudubnay.”
  16. “Eebbe wuxuu u dhow yahay inuu noogu beddelo mid ka fiican isagaan khayr ka rajaynaynaa eh.”
  17. Caddibaaddu waa saas, caddibaadda Aakharaase ka weyn haddii ay wax ogyihiin.

 

Adduunku waa imtixaan, waase in ruuxu ka faa‘iidaysto imtixaanka oo isa saxaa hadduu qalloocsan yahay, sidaa Reer Makka ahaayeen iyo wixii la mid ah, qisadanna waa qiso weyn oo xikmo iyo waano ku jirto, saas daraaddeed waa inaan ruuxna isla weynaanin, wanaag inuusan samayn ku dhaaranin, masaakiinta iyo dadka tabarta daranna goynin, haddii kale ha sugo caddibaadda adduunka iyo mid Aakhiraba. Dambiguba rizqiga yuu dadka hoojiyaa siduu Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee). Al-Qalam (17-33)

 

  1. Kuwa Eebbe ka dhawrsada waxay Eebba agtiisa ku leeyihiin Jannada Naciima.
  2. Ma Muslimiinta yaanu kala mid dhigaynaa dambiilayaasha?
  3. Seed u dhihi kartaan saas.
  4. Mise [gaalooy] waxaa idiin sugnaaday kitaab aad akhrisataan?
  5. Oo waxaad doontaanba aad ka helaysaan?
  6. Mise ballan adag yaad naga qaaddeen tan iyo maalinta Qiyaame oo waxaad rabtaaan aad xukumaysaan?
  7. [Nabiyow] weydii [gaalada] cidda damiinka ugu ah xaalkaas.
  8. Mise dad la wadaaga arrintaas yey leeyihiin? Ha keeneen kuwaas hadday run sheegi.
  9. Maalinta dhudhunka la faydi doono gaaladana loogu yeedhi doono inay sujuudaan ma karayaan sujuud.
  10. Indhaha gaaladu maalintaas waa dullaysan tahay waxaana ka muuqda walbahaar iyo qoomamo, waxayna ahaayeen [adduunka] kuwa loogu yeeray sujuud iyagoo nabad qaba.

 

Eebbe cid walba wuu abaal mariyaa, Muslim iyo gaal, wanaag fale iyo xumaan falana isku mid kama dhigo, gaalana wax xuja ah uma haysato xumaantooda, maalinta Qiyaamana dadka xun Eebbe wuu imtixaani wuxuuna fari inay sujuudaan, hase yeeshee ma karayaan, maxaa yeelay adduunkii yeyan sujuudi jirin iyagoo nabad qaba, dulli iyo qoomamo yaana ka muuqan maalintaas. Al-Qalam (34-43)

 

  1. Isu kaana daa aniga iyo kuwa beeniyey Qur’aanka waana sasabi iyagoon ogeyn.
  2. Waana sugi tan iyo muddo, maamulka Eebbana waa xoog badan yahay.
  3. [Nabiyow] ma waxaad weydiisatay [gaalada] ujuuro oo markaas cusleeyey?
  4. Mise waxa maqan yaa agtooda yaal ooy wax ka qori?
  5. Ku samir xukunka Eebbe hana noqonin sidii saaxiibkii xuudka [mallayga Yuunus] markuu naadiyey Eebbihiis isaga oo walbahaarsan.
  6. Haddaan naxariista Eebbe haleelin waxaa lagu tuuri lahaa cidlo [bannaan] isagoo la dagaalay.
  7. Waxaase doortay Eebbihiis wuxuuna ka dhigay kuwa wanaagsan.
  8. Waxay u dhow yihiin kuwii gaaloobay inay daymada kugu lagdaan markay maqlaan Qur’aanka, waxayna dhihi, “Waa waalan yahay [Nabigu].”
  9. [Qur’aanka iyo Nabiguna] waa uun waanada caalamka.

 

Amarka Eebbaa iska leh, ruux walbana suu doono yuu ku maamulaa, Qur’aankana isagaa soo dejiyey, Nabiguna ujuuro kama rabin cidna, waxaana had iyo jeer Eebbe fari jiray Xaq sheegid iyo adkaysi iyo dulqaad, Qur‘aankuna waa raxmaddii Eebbe Nabiga u soo dhiibay, mana habboona in cidda akhriyi la guul guulo oo xumaan lagu tilmaamo, maxaa yeelay waa waanada adduunka dhammaan. Nabiguna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Eebbe wuu u sugi daalimka markuu qabtana ma fakiyo.” Al-Qalam (44-52)

 

Suurat al-Xaaqqah

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Maalinta Xaaqqa [Qiyaamadu waa wax sugan].
  2. Xaaqqa maxay tahay?
  3. Inaadan aqoon ma laga yaabaa Xaaqqada?
  4. Waxay beeniyeen Reer Thamuud iyo Caadba Qiyaamada.
  5. Thamuudse waxaa lagu halligay qaylo daran.
  6. Caadna waxaa lagu halligay dabayl daran oo qabow.
  7. Oo lagu diray korkooda toddoba habeen iyo siddeed maalmood oo is-raacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid timir [dogob dhacay].
  8. Wax ka hadhay miyaad aragtaa.
  9. Fircoon iyo kuwii ka horreeyeyna waa jireen iyo kuwii gafsanaa ee la daba geddiyey [Nabi Luud qawmkiisi].
  10. Waxay caasiyeen Rusushii Eebbahood, markaasuu si daran u qabtay.
  11. Markay biyihii xad dhaafeen [waqtigii Nabi Nuux] waxaan idinku xambaarnay [awoowayaalkiin] doontii.
  12. Si aan uga yeelno waano ay una xafiddo dhag wax maqasha.

 

Qiyaamadu waa xaq sugan, ciddii xoog is-biddana oo Xaqa iyo Qiyaamada beenisana Eebbaa ka awood badan, sida aayadahani noo caddeeyeen, sida qawmkii Nabi Saalax, Nabi Huud, Nabi Luud, Nabi Nuux iyo Fircoon iyo kuwii ka horreeyey. Waana in lagu waana qaato arrintaas, xumaanta Xaq-diidnimada iyo kibirkana la iska jiro waa sababaha halaaggee. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Waxaa laygu gargaaray Dabaysha Saba, Reer Caadna waxaa lagu halaagay Dabaysha Dabuur.” Al-Xaaqqah (1-12)

 

  1. Marka suurka la afuufo hal mar.
  2. Dhulka iyo buurahana la xambaaro oo la burburiyo hal mar.
  3. Maalintaasay Qiyaamadu dhacaysaa.
  4. Samaduna maalintaas way dillaaci wayna tabar yaraan.
  5. Malaa‘igtuna cirka gaararkiisa yey ahaan maalintaas, Carshiga Eebbana waxaa dadka korkiisa ku xambaari maalintaas Siddeed [Malag].
  6. Maalintaasaa dadka loo soo bandhigi Eebbe, wax xaggooda kaga qarsoonna ma jiro.
  7. Ruuxiise kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi [farax daraaddiis], “Akhriya kitaabkayga.”
  8. “Waxaan yaqiinsanaa [adduunka] inaan la kulmi xisaabtayda.”
  9. Wuxuu ruuxaasi ku noolaan nolol laga raalli yahay.
  10. Wuxuuna geli Janno sarreysa.
  11. Midhaheeduna u dhaw yihiin [ruuxa guran].
  12. Waxaana lagu dhihi, “Cuna oo cabba idinkoo shifaysan camalkaad hor marsateen ayaamihii tegay daraaddiis [adduunkii].”

 

Eebbe isagaa awoodda leh abuurayna dunida, wuxuuna dadka u darbay maalinta Qiyaame oo ruux walba laga abaal marin camalkiisii, waa maalinta dhulka, buuraha iyo cirkuba doorsoomi oo burburi, wax Eebbe ka qarsoomi ama ka fakanna uusan jirin, dadka wanaagsanna waxaa lagu abaal marin wanaag, Janno, farax iyo bishaaro ku noolaansho. Cumar binu Khadaabna wuxuu yidhi, “Xisaabiya naftiinna intaan la xisaabinin, miisaamana intaan la miisaamin, iyadaa idiin ka fudud xisaabta barriyee, isuna qurxiya bandhigga wayn.” Al-Xaaqqah (13-24)

 

  1. Ruuxiise kitaabkiisa laga siiyo bidixda wuxuu dhahayaa, “Magacay ba‘ee maan la i siinin kitaabkayga.”
  2. “Xisaabtaydana maanan ogaanin.”
  3. “Magaacay ba‘ee maxaan u soo noolaaday?”
  4. “Xoolahaygi wax iima tarin.”
  5. “Waxaa lumay awooddaydii [iyo xujadaydii].”
  6. Waxaa loo odhan, “Qabta oo gacmihiisa iyo luquntiisa isku xira.”
  7. “Naarta Jahannamada geliya.”
  8. “Markaas geliya silsilad toddobaatan dhudhun ah.”
  9. “Maxaa yeelay wuxuu ahaa kaan rumaynin Eebbaha weyn.”
  10. “Aana fari jirin in masaakiinta wax la siiyo.”
  11. “Maanta [Qiyaamada] kuma leh saaxiib.”
  12. “Cunnana kuma leh aan ahayn dhacaanka ehlu-Naarka.”
  13. “Cunnadaasna ma cuno kuwa gafay waxaan ahayn [gaalada].”
  14. Waxaan ku dhaaran waxaad aragtaan [makhluuqaad ah].
  15. Iyo waxaydaan arkayninba.
  16. Ee Qur’aanku waa hadalkii Eebbe uu u soo dhiibay Rasuul sharaf leh.
  17. Hadal gabayaana ma aha, wax yar yaadse rumaynaysaan [Xaqa].
  18. Hadal wax-sheegana ma aha wax yar yaadse waantoomaysaan.
  19. [Qur‘aanku] wuxuu kasoo degay Eebbaha caalamka.

 

Xaq-diidayaasha waxaa lagu abaal marin maalinta Qiyaame xumaantay kasbadeen, waxaana laga siin kitaabkooda xagga bidix, markaasay calaacali, waxaana la gelin Naar daran oo cunno iyo cabbid xun mooye wax kale lahayn. Qur‘aankuna waa hadalkii Eebbe, Rasuul sharaf leh yaana Eebbe kusoo dejiyey, xumaanta iyo ceebaha ay gaaladu ku sheegeenna waa ka fog yahay, waana digniin iyo raxmadda caalamka. Al-Xaaqqah (25-43)

 

  1. Hadduu nagu been abuurto [Nabi Muxamed]
  2. Waxaannu ku qaban gacan adag
  3. Waxaannu goynaynaa xididka wadnaha.
  4. Ruux idinka mid ah oo naga celinnna ma jiro.
  5. Qur’aankuna waa waanada kuwa Eebba ka dhawrsada.
  6. Waxaan ognahay inay idin ka mid yihiin kuwa beenin [Qur’aanka].
  7. Qur’aanku waa qoomamada gaalada [maalinta Qiyaame].
  8. Qur‘aanka waa run dhab ah.
  9. Ee [Nabiyow] u tasbiixso magaca Eebbe ee weyn.

 

Qur‘aanku waa hadalkii Eebbe Nabiga Muxamad ah (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa Eebba ha yeelee) uu kusoo dejiyey, Malaku Jibriilna soo gaarsiiyey, mana siyaadin karo. Qur’aankuna waa waanada mu‘miniinta iyo kuwa xumaanta ka dhawrsada, waana xujo iyo qoomamada gaalada, waana xaq sugan. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Watiinku waa taxanaha qalbiga waana xididkuu ku xidhan yahay.” Al-Xaaqqah (44-52)

 

Suurat al-Macaarij

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Mid baa wuxuu Eebbe warsaday in caddibaad [gaalada] ku dhacda [loo soo dedejiyo].
  2. Caddibaaddaasna wax gaaalada ka celin ma jiro.
  3. Waxayna ka imaan caddibaaddaasu Eebbaha sarraynta iyo sharafta u saaxiiba.
  4. Ee malaa‘igta kale iyo Jibriilba u koraan maalin qaddarkeedu dhan yahay konton kun oo sano.
  5. Ee [Nabiyow] samir samir wanaagsan.
  6. Gaaladu waxay caddibaadda u arkaan inay fog tahay.
  7. Annaguna waxaan u aragnaa inay dhawdahay.
  8. [Caddibaaddaasu waxay dhici] maalinta cirku noqon bir la dhalaaliyey oo kale.
  9. Buuruhuna ay noqon suuf la tifay oo kale.
  10. Sokeeyana uusan sokeeye wax warsanaynin.
  11. Wayna is arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeclaan inuu iskaga furto maalintaas caddibaadeeda caruurtiisa,
  12. Haweenaydiisa, walaalkiis,
  13. Iyo qaraabadiisii soo dhawaynayey,
  14. Iyo waxa dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo.

 

Ma habboona in caddibaad iyo halaag Eebba la weydiisto, maxaa yeelay Eebbe isagaa awoodda leh, cidduu doona ayuuna ciqaabaa, markay ciqaabtiisu timaaddana wax celin ma jiro. Qiyaamada shiddadeedna wax walba wuu la doorsoomaa qaraabanimana ma jirto, wuxuuna jeclaan dambiiluhu inuu isku furto qaraabadiisa, xoolihiisa iyo dhulka waxa jooga oo dhan markaana uu nabad galo, lagamase aqbalo. Al-Macaarij (1-14)

 

  1. Saas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul [oo ay geli].
  2. Waxayna siibi galka [madaxa iyo jirka].
  3. Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday Xaqana diiday.
  4. Xoolahana kulmiyey oo hayey [oon xaqa ku bixinin].
  5. Dadka waa la abuuray iyaga oo naf jaclaysi badan.
  6. Haddii dhib taabto wuu argaggaxaa.
  7. Hadduu khayr helana wuu reebaa.
  8. Marka laga reebo Muslimiinta tukata.
  9. Ee ah kuwa salaaddooda daa’ima.
  10. Kuwa xoolahoodana xaq la ogyahay ka bixiya.
  11. Siiyana kuwa baryootama iyo kuwaan wax haysan.
  12. Kuwa rumeeya maalinta Qiyaame [ee abaal marinta].
  13. Kuwa ka cabsaday caddibaadda Eebbahood.
  14. Maxaa yeelay caddibaadda Eebbe wax ka aamin ah ma jiro.
  15. Kuwa ka ilaaliya xubinta [dhalmaha] sino.
  16. Waxa kasoo haray xaaskooda ama ay hanteen, taasna laguma dagaalo.
  17. Ruuxiise doona wax gudubsan kuwaa waa mid xad gudbay.
  18. Kuwa waxa lagu aaminay iyo ballankaba ilaaliya.
  19. Kuwa maraggooda si fiican u furay.
  20. Kuwa salaaddooda xafida [dhawra].
  21. Kuwaasi waxay geli Jannooyin lagu sharrifo.

 

Eebbe wuxuu u darbay Xaq-diidayaasha Naar daran oo jirka gubta, una yeedhi kii xaqa ka jeedsaday intuu adduunka joogay, waxaa kale oo ay aayaduhu sheegi in dadka dabeecaddiisu ay tahay in marka dhibaato heshana uu argaggaxo markuu nicmo helana uu Xaqa diido, hase yeeshee kuwa mu‘miniinta ah ee salaadda tukada xoolahoodana xaqa ka bixiya Qiyaamadana rumeeya caddibaadna ka cabsada, farjigooda xumaanta ka ilaaliya iyagu wey nabad geli waxaana lagu sharrifi Jannada Eebbe, maxaa yeelay waa kuwo ballan Ilaahay oofiyey. Al-Macaarij (15-35)

 

  1. Maxaa u sugnaaday gaalada oo ay xagga Nabiga u deg degi [iyagoo beenin]
  2. Iyagoo midigta Nabiga iyo bidixdiisaba koox koox u jooga.
  3. Ma wuxuu damci ruux kasta oo ka mid ah in la geliyo Jannnatu Naciim?
  4. Saas ma aha ee waxaan ka abuuray waxay ogyihiin.
  5. Waxaan ku dhaaran qorrax-kasoo-baxyada iyo qorrax-u-dhacyada ee waan karnaa
  6. Inaan ku baddalno kuwa ka khayr badan, nagamana dheerayn karaan.
  7. Ee iska dhaaf ha dhumbadeen eh [xumaanta] hana ciyaareen intay kala kulmaan maalintoodii Qiyaame ee loogu gooddiyey.
  8. Maalinta ay kasoo bixi qubuuraha iyagoo degdegi ood mooddo inay u laxaadsan calaamo loo taagay [xaggooda].
  9. Araggooduna waa dullaysan yahay maalintaas, waxaana ka muuqda oo dabooli dulli, maalintaasuna waa maalintii loogu yaboohay [abaal marinteeda].

 

Waxaa jirtay in Xaq-diidayaashii Reer Makkaad ay Nabiga kusoo ururi jireen, iyagoo koox koox ah oo haddidaad iyo beenin ku dheehan, haddana damci inay wanaag iyo khayr helaan, waxaase wanaag hela ciddii kasbata, Eebbana wuu karaa inuu halaago kuwa dambiilayaasha kuna baddalo kuwa ka khayr badan, hase ciyaaro oo dambi ha falo ciddii doonta waxay uun la kulmi doontaa maalinta abaal marinta ee dadka lasoo bixin dambiilana dulli ka muuqdo, waa maalinta Qiyaame. Al-Macaarij (36-44)

 

Suuratu Nuux

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Annagaa Nabi Nuux u dirray qawmkiisii si uu ugu digo caddibaadda horteed.
  2. Wuxuuna ku yidhi, “Qawmkayow waxaan idiin ahay dige cad [oo muuqda].”
  3. “Ee Eebbe caabuda kana dhawrsada, anigana i adeeca.”
  4. “Wuu idiin dambi dhaafi wuuna idin dib dhigi ilaa muddo magacaaban, marka Eebbe la yimaaddo ajasha wax dib u dhigi ma jiro haddaad wax ogtihiin.”
  5. Nabi Nuux wuxuu yiri, “Eebbow waan u yeeray qawmkaygii habeen iyo dharaar.”
  6. “Yeedhiddayduna uma siyaadinin waxaan carar ahayn.”
  7. “Markasta oo aan u yeedhana si aad ugu dambi dhaafto waxay farahooda yeelaan dhagahooda, maryahoodana way isku dadaan, wayna ku madax-adaygaan xumaanta wayna is weyneeyaan.”
  8. “Si kor ah yaan ugu yeedhay [dadka dhexdiisa].”
  9. “Waana u qayliyey, hoosna waan ugu yeeray.”
  10. “Waxaana ku idhi, ‘Eebbihiin dambi-dhaaf weydiista waa dambi-dhaaf badanee.’”
  11. “Cirkana roob badan ha idinka keenee.”
  12. “Hana idiin kordhiyo xoolo iyo wiilal iyo beero, hana idiin yeelo wabiyaal.”
  13. “Maxaad leedihiin ood weynida Eebbe uga cabsoon weydeen?”
  14. Isagoo idin abuuray idinkoo soo maray xaalado kala duwan.

 

Nabi Nuux wuxuu Eebbe u diray qawmkiisii si uu ugu digo hase yeeshee waa beeniyeen in kasta oo uu si walba ugu yeedhay, habeen iyo dharaar, kor iyo hoos, waxayna ahaayeen kuwa madax adag sida Qur’aanku meela badan ku sheegay, dhagahayna furaysteen, dharkoodii bay isku duuduubeen si ayan Xaqa u maqal, inkasta oo Nabigu ugu yeedhay xaqa. Nuux (1-14)

 

  1. Miyaydaan arkaynin sida Eebbe u abuuray toddoba samo oo is-dul saaran?
  2. Dayaxana uga yeelay dhexdooda nuur, qorraxdana ka yeelay siraad.
  3. Eebbe waa kan idinka soo bixiyay dhulka.
  4. Haddana idinku celin doona dhexdiisa idinkana soo bixin doona.
  5. Eebbe waa kan Idiinka yeelay dhulka gogol.
  6. Si aad ugu socotaan dhexdiisa waddooyin waawayn.

 

Waa in dadku Eebbe ka yaabo, eegana siduu u abuuray cirkana dayax nuurahayo iyo qorrax ifaysana ugu yeelay, dadkana dhulka kasoo bixiyay kuna celin doona markay dhintaan, kana soo bixin doona waqtiga abaalmarinta, dhulkana gogol uga dhigay, waddooyinna uga jeexay ay danahooda ku qabsadaan, Eebbaha saas ah yay waajib tahay in kaligii la caabudo, laguna mahadiyo. Nuux (15-20)

 

  1. [Nabi] Nuux wuxuu yidhi, “Eebbow way i caasiyeen waxayna raaceen kuwo aan xoolohoodu iyo carruurtoodu waxaan khasaara ahayn u kordhinaynin.”
  2. “Dhagar waynna way dhakreen.”
  3. “Waxay isu dheheen, ‘Haka tagina ilaahyaalkiinna, hana ka tagina Wuddi, Suwaac iyo Yaquuth, iyo Yacuuq iyo Nasri.’”
  4. “Waxayna dhumiyeen dad badan ee Eebbow ha u kordhinin daalimiinta waxaan baadi ahayn.”
  5. Gafkoodii dartiis yaa loo maansheeyay Naarna loo galiyey, mana helayaan Eebbe ka soke gargaare.
  6. Nuux wuxuu yidhi, “Eebbow ha kaga tagin dhulka korkiisa gaalada ruuxna.”
  7. “Maxaa yeelay haddaad kaga tagto waxay dhumin addoomahaaga, mana dhalayaan waxaan gaal xun ahayn.”
  8. “Eebbow u dambi-dhaaf aniga iyo waalidiintay iyo ruuxii gala gurigeyga isagoo mu’min ah rag iyo haweenba, hana u kordhinin daalimiinta waxaan halaag ahayn.”

 

Qawmkii Nabi Nuux way beeniyeen Xaqii, wayna caasiyeen, waxayna warkiisa raaceen madaxdoodii xuma-taliska ahayd,, waxayna is-fareen inayna ka tagin caabudiddii ilaahyaalkoodii, dad badanna way dhumiyeen, dambigoodii dartiis yaana biyo loogu halaagay Naarna loo galiyay, gargaare Eebbe kasoo hadhayna ma ayna helin, markaas Nabi Nuux wuu habaaray Eebbana waa ka aqbalay, maxaa yeelay waxaan xumaan iyo fasaad ahayn ma ayna falayn, mu‘miniintana wuu u duceeyay iyo intii raacdayba rag iyo haween, gaalana halaag yuu Eebbe u warsaday. Nabiguna wuxuu yidhi, “Ha la saaxiibin waxaan mu‘min ahayn, quudkaagana yuusan cunin ruux aan Eebbe ka cabsade ahayn.” Imaam Axmad baa Abii Saciid ka wariyay. Nuux (21-28)

 

Suurat al-Jinn

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaad dhahdaa [Nabiyow], ‘Waxaa lay waxyooday inay dhagaysteen koox jinni ah [Qur’aanka] ayna dheheen, “Waxaan maqalnay Qur’aan la-yaab leh.”’
  2. “Oo ku hanuunin Xaqa, waana rumaynay waxaan Eebbe cibaada la wadaajin haynana ma jiro.”
  3. “Waxaana sarreeya sharafta Eebbeheen, mana yeelan haweenay iyo ilmo midna.”
  4. “Waxay ahaayeen kuwannagii xumaa inay ku dhahaan hadallo xadgudub ah Eebbe.”
  5. “Waxaana u malaynaynay inuusan insi iyo jinni midna Eebbe ku been sheegaynin.”
  6. “Waxayna ahaayeen kuwo insiga ka mid ah inay magan galaan kuwo jinniga ka mida, markaasna u kordhiyeen kibir [iyo xadgudub].”
  7. “Waxayna jinnigu u maleeyeen sidaad u malayseen inaan Eebbe soo bixin haynin ruuxna.”

 

Suuraddani waxay ka sheekayn khalqiga ka mida makhluuqaadka Eebbe oo ah jinniga, mu‘min iyo gaalbana leh, waxaana jirtay inay koox ka mid ihi dhagaysteen akhriska Nabiga, waana in la rumeeyo jiritaankooda, wax micna ah kuma jiro in la yidhaahdo ma aragno, maxaa yeelay imisaa wax aan la arkayn jira, ka warran naftaada iyo caqligaaga iyo dareenkaaga. Al-Jinn (1-7)

 

  1. Waxaan doonnay samada waxaana hellay iyadoo ka buuxda Ilaalin daran iyo danabyo.
  2. Waxaana ahayn kuwo fadhiista xaggeeda meelo si aan wax uga dhagaysanno, ruuxiise dhagaysta hadda wuxuu heli danabyo darban [la kulmi].
  3. Mana ogin inay tahay shar lala doonay dadka dhulka ku nool ama Eebbohood la doonay hanuun [iyo khayr].
  4. Waxaa naga mid ah kuwo suubban iyo kuwo kaleba, waxaan nahay kooxa kala duwan.
  5. Waxaanna ognahay inaannaan Eebbe ku daalin karin dhulka dhexdiisa, kuna daalin haynin cararid.
  6. Markaan maqallay hanuunkana waan rumaynay, ruuxii rumeeya Eebbihiisana kama yaabo nusqaan iyo dulmi midna.
  7. Waxaa naga mida Muslimiin iyo kuwo xadgudbay, ruuxiise Islaama waa mid ku dadaalay hanuun.
  8. Kuwiise xadgudbay waxay ahaan qoryaha Jahannamo.
  9. Hadday ku toosaan dadku jidka [wanaagsan] waxaan ka waraabin lahayn biyo badan.
  10. Imtixaan dartiis, ruuxii ka jeedsada xusidda Eebbihiis wuxuu galin cadaab daran.

 

Cirka Eebbaa ilaaliyay, wax yeello iyo xumaanna looma gaysan karo, waxaana jirtay in jinnigu isku dayi jiray inuu dhagaysto, hase ahaatee markii Qur’aanka xaqa ahu soo dagay yaa Eebbe ka ilaaliyay, jinnigana saan soo sheegnay kuwo wanaagsan iyo kuwo xunba way leeyihiin, kuwooda wanaagsanna waxay qirteen inaan Eebbe la daalin Karin, Xaqayna raaceen, kooda xunna uu noqon qoryaha Jahannama, dadkuna hadday toosnaadaan Eebbe wuu u nicmayn, hadday jeedsadaanna wuu caddibi. Al-Jinn (8-17)

 

  1. Masaajidda Eebbaa iska leh ee ha kula baryina [caabudina] Eebbe cid kale.
  2. Markuu istaagay addoonkii Eebbe [Nabigu] isagoo caabudi Eebbe waxay jinnigu u dhawaadeen inay korkiisa is dul fuulaan.
  3. Waxaad dhahdaa [Nabiyow] waxaan uun caabudi Eebbahay lana wadaajin mahayo cidna.
  4. Waxaad dhahdaa idiin ma hanto shar iyo khayr midna.
  5. Waxaad dhahdaa cidna igama korinayso Eebbe, mana helayo isaga ka sakow magangalyo.
  6. Hase yeeshee waxaan hantaa gaadhsiinta Xaqa Eebbe iyo farriimihiisa, ruuxiise Eebbe caasiya iyo Rasuulkiisa waxaa u sugnaaday Naarta Jahannama isagoo ku waari dhexdeeda.
  7. Markay gaaladu arkaan waxa loo yaboohi waxay ogaan cidda gargaarihiisu tabar yar yahay tirana yar yahay.
  8. Waxaad dhahdaa ma ogi inuu dhawyahay waxa la idiinku gooddin ama Eebbahay waqti u yeeli.
  9. Eebbaa og waxa maqan, umana muujiyo waxaa maqan ruuxna.
  10. Marka laga reebo cidduu ka raalli noqday oo Rasuul ah, isagoo hor iyo gadaalba ka ilaalin.
  11. Si Eebbe u muujiyo inay gaadhsiiyeen farriimihii Eebbohood, Eebbana waa koobay waxa agtooda ah wayna u tirakooban yihiin wax walba.

 

Masaajidda Eebbaa iska leh, laguna caabudaa, waase inaan cid kale lugu baryin luguna caabudin, Eebbana wuxuu faray Nabiga inuu u sheego dadka inuu Eebbe kaliya caabudi, shar iyo khayrna uusan hanannin, wax Eebbe kasoo hadhay oo uu magangalina uusan jirin, hasa yeeshee uu hanto Xaqa iyo farriinta Eebbe oo uu dadka gaadhsiiyo, ruuxiise Eebbe iyo Rasuulka caasiya wuxuu gali Naar, gargaarana ma helo, waxa maqanna Eebbe un baa og inuu dhawyahay iyo in kale, iyo goortuu iman, hasa yeeshee Eebbe Rasuulladiisa uu ka raalli noqday un buu waxyi wax ku ogaysiiyaa, isagoo ilaalin si ay u gaadhsiiyaan farriinta Eebbohood, Eebbana wax walba wuu koobay. Qataada wuxuu yidhi, “Yuhuud iyo Nasaara waxay ahaayeen kuwii Eebbe wax la wadaajiya, markaasaa Eebbe faray Nabiga in Eebbe kaliya la caabudo.” Al-Jinn (18-28)

 

Suurat al-Muzammil

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. [Nabiga] is-duuduubayow!
  2. Istaag habeenka [tuko] wax yar mooyee.
  3. Nuskiisa tuko ama ka nusqaami wax yar.
  4. Ama ka badi, Qur’aanka u akhri si fiican.
  5. Annagaa kugu dajin hadal culus [wayne].
  6. Habeenka saacadihiisa [oo la tukado] yaa ku daran khushuucda aadna u toosan.
  7. Maalintii waxaa kuu sugnaaday shaqa dheer.
  8. Magaca Eebbana xus cibaadadiisana u go’.
  9. Qorrax-kasoo-bax iyo u-dhacba Eebbaa iska leh, isaga mooyee ilaah kalena [xaq lagu caabudo] ma jiro ee ka yeelo wakiil [la cuskado].
  10. Kuna samir waxay sheegi gaaladu, si quruxsanna uga hijroo [iskaga tag].
  11. Isu kaanna daa Aniga iyo kuwa beeniyay Xaqa ee nicmaysan wax yarna sug.
  12. Agtannada waxaa ah caddibaad iyo Naarta Jaxiimo.
  13. Iyo cunno lagu margado iyo cadaab daran.
  14. [Waxay ku dhici arrintaasu] maalinta dhulka iyo buuruhu gilgilan, buuruhuna ay noqon tamuux socda [bacaad daadanaya oon lugta celinayn, dib u eegaha].

 

Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu Eebbe faray inuu Xaqa gaadhsiiyo dadka, cibaadadana badiyo gaar ahaan habeenkii wuxuuna ku mannaystay inuu ku dajiyay Qur’aan sharaf leh, wuxuuna faray inuu badiyo xuska Eebbe iyo cibaadadiisa, maxaa yeelay adduunka Eebbaa iska leh, ilaah (xaq lagu caabudo) aan isaga ahaynna ma jiro, waxaa kaloos faray inuu Eebbe tala saarto, dhibkana u adkaysto, gaaladana ka hijroodo isuna daayo iyaga iyo Eebbe wax yarna sugo, maxaa yeelay Eebbe agtiisa yaa cadaab iyo ciqaab u taalla gaalada maalinta Qiyaame. Al-Muzzammil (1-14)

 

  1. Annagaa idiin dirray Rasuul markhaati ah, sidaan ugu dirray Fircoonba Rasuul.
  2. Fircoonna wuu caasiyay Rasuulkii [Nabi Muuse]. Fircoonna waxaan ku qabannay qabasha daran.
  3. Ee see baad gaalooy uga dhawrsanaysaan caddibaaddda maalinta Qiyaame ee carruurta cirroole ka yeeli haddaad gaalawdaan?
  4. Samaduna maalintaas darteed ay la dildillaaci ballanqaadka Eebbana waa wax dhici.
  5. Aayadahani waa waano, ee ruuxii doona Eebba xaggiisa jid ha uga yeesho.

 

Diridda Rasuulku ma aha wax gaar ku ahayd Nabiga, ee waxaa jiray in Eebbe diray Nabiyo iyo Rasuullo badan sidii Nabi Muusihii Fircoon loo diray oo is-kibriyay oo beeniyay, Eebbana ciqaab daran ciqaabay, ruuxii wax garad ahse waa inuu waano qaato una darbado maalinta Qiyaame ee dhibka badan, Eebbe xaggiisana jid fiican uga samaysto. Al-Muzzammil (15-19)

 

  1. Eebbahaa wuxuu ogyahay [Nabiyow] inaad tukatid wax ka yar habeenka saddex-meelood laba iyo badhkiis iyo saddex-meelood meel, iyo in koox ka mida kuwa kula jira ay tukato, Eebbana waa u qadaran yahay habeenka iyo maalintuba, wuxuuna ogyahay inaydaan koobi karin, wuuna Idinka tawbad aqbalay ee akhriya wixii idiin fududaada oo Qur’aan ah, wuxuu Eebbe ogyahay inay idin ka mid noqon kuwa buka iyo kuwo safri iyagoo dooni khayrka Eebbe iyo kuwo u dagaallami Jidka Eebbe ee akhriya wixii idiin fududaada oo Qur’aan ah, salaaddana ooga zakadana bixiya Eebbana wax wanaagsan daynsada, waxaad naftiinna u hormarsataan oo khayr ahna waxaad ka ogaan doontaan kana heleysaan Eebba agtiisa Isagoo khayr ah iyo ajri wayn, ee Eebbe dambi-dhaaf waydiista waa dambi-dhaafe naxariiste.

 

Eebbe waa ogyahay camalkeenna iyo dhaqdhaqaaqeenna habeen iyo dharaarba, waxaana laga rabaa ruuxa mu‘minka ah inuu Eebbe ku xidhnaado oo tawbad keeno, Qur’aankana akhriyo, camalkiisuna noqdo mid habaysan oon ahayn mashaqo iyo dhibaato, illeen waxaa lagu shuqloomi karaa, jirro iyo tijaaro xalaal ah, waase in Eebbe si joogta ah loo caabudo, salaadda, zakada iyo khayrkana la hormarsadaa si wanaag, ajri iyo dambi-dhaaf Eebbe agtiisa looga helaa. Al-Muzzammil (20)

 

Suurat al-Muddathir

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. [Nabiga] is-dadayow!
  2. Is-taag oo dig.
  3. Eebbahaana waynee.
  4. Dharkaagana daahiri.
  5. Xumaantana ka hijroo [iyo sanamyada].
  6. Hana ku mannaysan adoo badsan [waxaad bixisay].
  7. Eebbahaa dartiisna u samir.
  8. Marka suurka [Qiyaame] la afuufo.
  9. Maalintaasu waa maalin ku daran.
  10. Gaalada oon u fududayn.
  11. Isukaanna daa Aniga iyo kaan abuuray isaga oo kaligiisa.
  12. Una yeelay xoolo badan.
  13. Iyo wiilal jooga oo [darban].
  14. Aan una waasiciyay rizqiga.
  15. Oo haddana sii damci inaan u badiyo.
  16. Saas ma aha, ee kaas wuxuu diiday aayaadkannaga.
  17. Waxaana ku kallifi [ku dhibi] cadaab daran.

 

Waxaa sugnaatay in Rasuulku (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) markuu waxyigu ku billawday uu is-daday isagoo naxsan, markaas Eebbe faray inuu kaco dadkana u digo, Eebbana wayneeyo nadaafaddana ku dadaalo, xumaantana ka fogaado, wuxuu bixiyana uusan sheegsheegin, dar Eebbana u samro, mu‘minka dhabta ahna saasaa laga rabaa, markase Qiyaamadu timaaddo gaalo waxay la kulmi dhib iyo halaag, mana habboona in Eebbihii ku abuuray ee kuu nicmeeyay eed waliba ka doonayso kordhin aad ka gaalawdid xaqiisana ka madax-adaygtid, sida gaalka aayaduhu tilmaameen. Al-Muddaththir (1-17)

 

  1. Gaalkaasu wuu fikiray wax buuna goostay.
  2. Waxaana loo lacnaday siduu wax u goostay.
  3. Haddana waxaa loo lacnaday siduu wax u goostay.
  4. Kadib wuxuu eegay [si uu Qur’aanka u wax yeeleeyo].
  5. Wuuna waji macbuusay oo uruuriyay.
  6. Markaasuu jeedsaday oo is-kibriyay.
  7. Isagoo dhihi, “Qur’aankani ma aha waxaan sixir lasoo guuriyay ahayn.”
  8. “Qur’aankani ma aha waxaan hadal bashar ahayn.”
  9. Waxaannu galin kaas [Naarta] Saqar.
  10. Ma taqaannaa Naarta Saqar?
  11. Hilib iyo laf midna ma reebto.
  12. Waxayna doorisaa jidhka [oy gubtaa].
  13. Waxaana kor jooga [ka shaqeeya] sagaal iyo toban malag [ama saf].

 

Xaqoo la raaco yaa habboon, ruuxiise ka horyimaada oo xumaan iyo dhagar maamula wuxuu la kulmi dhibaato iyo guul darro, sidii ku dhacday gaalkii Waliid binu Muqiira ahaa ee dulloobay laguna dilay dagaalkii waynaa ee Badar, Eebbana wuxuu ugu goodiyay kaas iyo wixii camalkiisa fala Naar daran oo laf iyo lud midna aan reebaynin, malaa’igtuna waa junuudda Eebbe ee Naarta ka shaqaysa si loo ciqaabo dambiilayaasha, Eebbe ha naga kuriyee. Al-Muddaththir (18-30)

 

  1. Ugama aannaan yeelin Naarta kuwa ka shaqeeya malaa’ig, tirana uma aannaan yeelin inay gaaladu ku fidnoobaan mooyeen, iyo inay yaqiinsadaan kuwa Kitaabka la siiyay, iyo inay kordhistaan kuwii Xaqa rumeeyay iimaan, ayna shakiyinna kuwii Kitaabka la siiyay iyo mu‘miniintu, iyo inay dhahaan kuwa qalbiga ka buka iyo gaaladu Eebbe muxuu uga jeedaa tusaalahan, saasaa Eebbe u dhumiyaa ruuxuu doono, una hanuuniyaa ruuxuu doono, wax og junuudda Eebbe oon isaga ahaynna ma jiro, waxan la soo sheegayna ma aha waano dadka mooyee.
  2. Waxaa sugan dayaxa ku dhaartaye.
  3. Iyo habeenku markuu jeedsado.
  4. Iyo subaxu markuu iftiimo.
  5. Ee Naarta Saqara waa waxyaalaha waawayn midkood [balaayooyinka].
  6. Waana digniinta dadka.
  7. Ruuxii doona inuu hormaro, iyo ruuxii doona inuu dib u dhaco, [waa loo digay].

 

Eebbe wuxuu doonuu faiaa, Naarta cidda ka shaqaynna wuxuu ka dhigay malaa’ig, si ciddii doontana ay u hanuunto, ciddii doontana u dhunto, junuudda Eebbeheen iyo ciidammadiisana isaga un baa og, aayadaha lasoo sheegayna waa digniinta dadka, Eebbana wuxuu ku dhaartay dayaxa, habeenku markuu jeedsado, subaxu markuu Iftiimo in Naarta Saqara ay ka mid tahay balaayooyinka waawayn iyo digniinta dadka, ruuxii doona inuu hormaro iyo kii doona inuu dib u dhacaba. Kitaabu Baxar waxaa lagu sheegay in horumarka iyo dib u dhaca loola jeedo khayrkoo lagu hormaro iyo isagoo laga dib dhaco. Ibnu Cabbaasna wuxuu yidhi, “Ruuxii doona ha raaco daacada Eebbe, kii doonana haka dib dhaco.” Al-Muddaththir (31-37)

 

  1. Naf walba waxay u xidhan tahay waxay camal fashay.
  2. Hase yeeshee kuwa midigta mari [ehlu-khayrka].
  3. Waxay gali Jannooyin, waxayna is-waydiin.
  4. Dambiilayaasha.
  5. Iyagoo ku dhihi maxaa idin galiyay Naarta Saqar.
  6. Waxayna ugu jawaabi ka mid ma aannaan ahayn kuwa tukada.
  7. Mana aannaan ahayn kuwa quudiya miskiinka.
  8. Waxaana ahayn kuwa la dhumbada kuwa xumaanta dhumban.
  9. Waxaana ahayn kuwa beeniya Maalinta Abaalmarinta [Qiyaamada].
  10. Ilaa ay Dhabtu nooga timaaddo [geeridu].
  11. Ma anfacayso kuwaas shafeecada kuwa shafeeca.
  12. Maxaase u sugnaaday oy waanada uga jeedsadaan.
  13. Ood u mooddaa dameero diday.
  14. Oo ka cararay libaax.
  15. Haddana wuxuu dooni mid kasta oo ka mida warqado qoran [kitaab].
  16. Saas ma aha ee kama yaabayaan Aakhiro.
  17. Waxaa sugan in Qur’aanku waana yahay.
  18. Ruuxii doona yaana waantoobi.
  19. Mana waantoobayaan in Eebbe doona mooyee, Eebbana wuxuu mutaa in laga dhawrsado, wuxuuna ehel u yahay inuu dambi dhaafo.

 

Naf walba waxaa laga abaal marin waxay kasbatay, khayr iyo sharba, hase yeeshee ehlu-Jannuhu waxay waydiin ehlu-Naarka waxa Naarta galiyay, waxayna ugu jawaabi inayna tukan jirin, miskiinna quudin jirin, xumaantana tiimban jireen, Qiyaamadan beenin jireen inta Dhabtu uga timaaddo, kuwaas shafeeco wax uma tarto, maxaa yeelay Xaqay ka jeedsadeen iyagood mooddo dameero bahal ka cararay, haddana mid kastoo ka mida gaalada wuxuu dooni in warqad qoran samada looga soo dajiyo, dhab ahaantuse waa inayna Aakhiro ka yaabaynin, Qur’aankuna waana yahay, ruuxii doonana waantoobi, awooddana Eebbaha in laga cabsado muta dambi-dhaafna ehel u ah yaa iska leh. Al-Muddaththir (38-56)

 

Suurat al-Qiyaamah

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaan ku dhaaran maalinta Qiyaame.
  2. Waxaan ku dhaaran [oo kale] nafta dagaasha [saaxiibkeed, ee waa la idin soo bixin].
  3. Ma wuxuu u maleeyay dadku inaanaan kulmin haynin lafihiisa?
  4. Saas ma aha ee waan karnaa inaan sinno [soona celinno] farihiisa.
  5. Wuxuuse dooni dadku inay ka gaaloobaan waxa ka horreeya.
  6. Wuxuu waydiin, “Waa goorma Maalinta Qiyaame?”
  7. Markase araggu wareero [taagmo].
  8. Dayuxuna madoobaado.
  9. Lana kulmiyo qorraxda iyo dayaxa.
  10. Wuxuu dhihi dadku maalintaas, “Xaggee loo cararaa?”
  11. Saas ma aha ee ma jiro wax la magan galo [Eebbe mooyee].
  12. Xagga Eebbahaa yaana maalintaas loo ahaan.

 

Suuraddan waxaa lagu magacaabaa Suuratul Qiyaamah, waxayna ka warrami Qiyaamada iyo sida Eebbe dadka u soo kulmin, iyo madax-adayga gaalada iyo siday u beenin abaalmarinta, maxayse u tari? Waxaa iman maalin araggu taagmi, dayuxuna madoobaan, qorraxdana uu la kulmi, dadkuna ay odhan iyagoo calaacali “Xaggee loo cararaa manta?” dhabtuse waxaan Eebbe ahayn oo la magan galo ma jiro maalintaas xaggiisaana loo ahaan. Al-Qiyaamah (1-12)

 

  1. Waxaa looga warrami dadka maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu dib marsaday.
  2. Ruux walbana naftiisa isagaa ku marag furi.
  3. Si kasta hadduu u cudur daartana [wax uma tarto].
  4. Ha dhaqaajinin [Nabiyow] carrabka inaad Qur’aanka ku dagdagto [akhriskiisa].
  5. Annagaa laabtaada ku kulmin kuuna akhriyi.
  6. Ee markaan akhrinno raac akhriskiisa.
  7. Annagaana isa saarnay caddayntiisa.
  8. Saas ma aha ee waxaad jeceshihiin dadow tan soo dagdagaysa [adduunyada].
  9. Waxaadna ka tagaysaan Aakhiro.
  10. Wajiyaal maalintaas way ifi.
  11. Eebbeheedna way eegi.
  12. Wajiyaalna maalintaas way kaduudsami.
  13. Waxayna hubtaa in lagu fali balaayo.

 

Eebbe wax ka qarsoon ma jiro, cid walbana wuxuu uga warrami wuxuu falay, ruux walbana isagaa naftiisa ku marag furi, wax cudur daarana lagama aqbalo, Eebbana wuxuu faray Nabigiisa inuusan ku dagdagin akhriska Qur’aanka marka waxyigu ku dagayo, maxaa yeelay Eebbaa ballan qaaday inuu Qur’aanka kulmiyo Nabigana u akhriyo una caddeeyo, waxaase dhab ah in dadku ka jeclaaday aakhiradiisa adduunyo (inta Eebba doona mooyee), Maalinta Qiyaamana waxaa loo qaybsami cid faraxsan oo Eebba arki, iyo cid naxsan oo balaayo sugi. Xasan Al-Basri wuxuu yidhi, “Ilaahay bay fiirin, wayna mudataa inay ifto iyadoo Eebba fiirin.” Al-Qiyaamah (13-25)

 

  1. Saas ma aha ee markay naftu gaadho dhuunta [waqtiga geerida].
  2. Oo la dhaho, “Yaa ku tufi?”
  3. Oo uu yaqiinsado inuu dhiman.
  4. Oo labada dhudhun isku marmaan [sakaraad dartiis].
  5. Eebbahaa xaggiisaa la aadi.
  6. Mase rumaynin gaalku Xaqa mana tukannin.
  7. Laakiin wuu beeniyay wuuna jeedsaday.
  8. Wuxuuna aaday ehelkiisii isagoo kibirsan.
  9. Halaag buuse mutaa.
  10. Haddana halaag buu mutaa.
  11. Ma wuxuu u maleeyay dadku in looga tagi bilaash [dan la‘aan].
  12. Miyuusan ahayn dhibic mani ah oo la dhibciyo?
  13. Markaas noqota xinjir oo Eebbe abuuro ekeeyana.
  14. Kana yeelo labadii nooc lab iyo dhaddig.
  15. Eebbaha saas kara miyuusan awoodin inuu soo nooleeyo wixii dhintay.

 

Geeridu waa xaq, waase arrin daran, wuxuuna Eebbe innooga warramay sakaraadka iyo dhibaatadiisa, iyo inaan qaraabo iyo cidna wax u tari karayn Eebba xaggiisana loo ahaan, taasoy waajib tahay in loo darbado, mase habboona in la maro waddadii Abii Jahal iyo wixii la mid ahaa, een Xaqa rumaynin cibaadana falin, balse beeniyay kana jeedsaday kibir iyo isla-waynina ehelkiisa ugu dhex noolaa, halaag buuse mutaa. miyuusanse dadku ogayn in waajib laga rabo iyo Xaqoo la raaco, iyagoo xusuusan waxa Eebbe ka abuuray iyo siduu u ekeeyay rag iyo haweenna ka dhigay, taasoo ku tusin awoodda Eebbe iyo inuu soo kulmin wixii dhintay si uu u abaal mariyo dhammaantood. Al-Qiyaamah (26-40)

 

Suurat al-Insaan

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Dhab ahaan waxaa dadka soo maray waqti wax la sheego uusan ahayn [uusan jirin].
  2. Annagaa ka abuurray dadka dhibic isku dheehan, imtixaan dartiis, waxaana ka yeellay wax maqle wax arka ah.
  3. Annagaa dadka tusinnay Jidka, waxayna noqdeen mid shukriya [mahadiya] iyo mid gaalnimo badan.
  4. Annagaa u darabnay gaalada silsilado iyo katiinado iyo Naarta Saciira.
  5. Kuwa baarriyiinta ah waxay ka cabbi weel buuxa oo lagu dheehay Kaafuur.
  6. Waa il ay ka cabbaan addoommada Eebbe, ayna u jiidaan say doonaan
  7. Wayna oofiyaan nadarka, waxayna ka yaabi maalin sharkeedu fidi [Qiyaamada].
  8. Waxayna quudiyaan iyagoo jecel miskiinka, agoonka iyo kan xabbisan [dhibban].
  9. Iyagoo dhihi, “Waxaan idiin quudinnay dar Eebbe, mana idinka doonaynno abaalmarin iyo mahadnaq midna.”

 

Eebbaa jiray isagoon wax kale joogin, isagaana hadhi markii la tago, waxaana dadka soo maray waqti ayna waxba ahayn, Eebbaase abuuray si loo imtixaano kooda fiican iyo kan kale, jidka iyo wanaaggana wuu u caddeeyay, gaaladana caddibaad baa u sugnaatay, mu‘miniinta Eebba adeecda ee ballankiisa oofisa, Qiyaamadana ka yaabta, masaakiinta, agoonta iyo dadka dhibbanna quudiya dar Eebbe dartiis wuxuu u darbay Janno iyo wanaag. Qataada wuxuu yidhi, “Sharku wuu fidi maalintaas wallaahiye intuu cirka iyo dhulka ka gaadho.” Al-Insaan (1-9).

 

  1. “Waxaan ka yaabaynaa Eebbahanno maalin [wajigu] doorsoomi oo daran.”
  2. Eebbana waa ka dhawray sharka maalintaas, wuxuuna siiyay nuur iyo farax.
  3. Wuxuuna ku abaal mariyay samirkooda dartiis Janno iyo xariir.
  4. Waxayna ku dangiigsan sariiro sare, iyagoon ku arkayn qorrax iyo dhaxan midna.
  5. Waxaana u dhaw hooska Jannada, waxaana loo soo raariciyay midheheeda.
  6. Waxaa lala kor socon weelal fidda ah iyo koobab quruurado ah.
  7. Quruuradahaas oo fidda ah si fiicanna u qiyaasan.
  8. Waxaana laga waraabiyaa ehlu-Jannaha sharaab macaan oo lagu dheehay sinjibiil.
  9. Waana il lagu magacaabo Salsabiil [ay ka cabbi].
  10. Waxaana u adeegi wiilal waari, haddaad aragtana aad u malayn jawhar la saydhay.

 

Eebbe ciddii ka yaabta wuxuu ku abaal marin sharkoos ka dhawro iyo Janno uu siiyo, iyagoon wax xun la kulmayn ay una shaqayn adeegayaal waari oo wiilal wanaagsan u shaqayn, iyagoo loo dhammeeyay nicmooyinka Eebbe aayadaha ku tilmaamay oy waajib tahay ruuxii caqli leh inuu higsado una darbado. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Adduunyada waxa lagu sheegahayo iyo Jannada waxaa kulmiya magaca.” Al-Insaan (10-19)

 

  1. Haddaad aragto halkaas waxaad arki nicmo iyo sharaf wayn.
  2. Dharkooduna [ehlu-Jannaha] waa xariir jilicsan oo cagaaran iyo xariir adagba, waxaana loo xidhi fiddo gacmaha la gashado, Eebbana wuxuu ka waraabiyaa sharaab nadiif ah.
  3. Kaasi waa abaalmarintiinii falkiiniina wuxuu noqday mid la mahadiyay.
  4. Annagaa Qur’aanka [Nabiyow] kugu soo dajinnay.
  5. Ee ku samir xukunka Eebbe, hana maqlin dambiile iyo gaalnima badane [warkiis].
  6. Xus magaca Eebbe subax iyo galabba.
  7. Habeenkana Eebbe u sujuud, una tasbiixso habeenkii [u tuko] waqti dheer.
  8. Kuwaasi waxay jecel yihiin tan soo dagdagaysa [adduunyada] waxay kaga tagayaan gadaashoodana maalin culus [Qiyaamada].
  9. Annagaa abuurnay dadka, adkaynayna xubnohooda, haddaan doonnana waxaan ku baddalaynaa kuwa la mid ah.
  10. Suuraddani waa waano, ee ruuxii doona haka yeesho Eebbe xaggiisa waddo.
  11. Waxna ma dooni kartaan in Eebbe doona mooyee, Eebbana waa wax walba oge falsan.
  12. Wuxuu galiyaa naxariistiisa ruuxuu doono, daalimiintana wuxuu u darbay cadaab daran.

 

Jannada waxaa ku sugan waxaan ilu arag isagoo kale dhagna maqal qalbina kusoo dhici karin, waase in Eebbaha Qur’aanka soo dajiyay la adeeco, dhibkana loo adkaysto, xumaanle warkiisana aan la maqal, adduunyana aan Aakhara laga doorannin, si aan naxariista Eebbe u helno. Al-Insaan (20-31)

 

Suurat al-Mursalaat

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. [Waxaan ku dhaartay] dabaysha wanaagga lala diro.
  2. Iyo dabaysha sida daran u dhabata.
  3. Iyo dabaysha roobka kicisa.
  4. Iyo malaa’igta Xaqa iyo baadilka kala bixisa.
  5. Iyo malaa’igta waxyiga soo dajisa.
  6. Si dadka loo waaniyo looguna digo.
  7. Ee waxa dadow Eebbe ku yaboohay wuu dhici.
  8. Markase xiddiguhu nuurku ka tago.
  9. Oo samadu dildillaacdo.
  10. Oo buuraha la rujiyo.
  11. Oo Rasuulladii la kulmiyo [iyo dadkoodii].
  12. Maalin wayn oo loo qabtay darteed.
  13. In dadka la kala bixiyo dartiis.
  14. Maalinta kala bixinta ma taqaannaa.
  15. Halaag wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa Xaqa beeniyay.

 

Eebbe wuxuu rabuu ku dhaartaa oo ka mid ah khalqigiisa, halkanna wuxuu ku dhaartay shan arrimood in waxa lagu dhaaran ay shaki la’aan tahay inuu dhici, kaasoo ah abaal-marinta Qiyaame, waxaana ka horrayn waxyaalo waawayn sida xiddigahoo madoobaada, cirkoo duleeshama iyo buurahoo burbura, maalintaasna waxaa la kulmin Rasuulladii iyo ummadohoodii. Mujaahidna wuxuu yidhi, “Waa maalinta lasoo kulmin Rasuullada si ay ugu marag kacaan ummadohoodii.” Al-Mursalaat (1-15)

 

  1. Miyaannaan halaagin ummadihii hore.
  2. Haddana aannaan raacin haynin kuwii dambe.
  3. Saasaana ku falaynaa dambiilayaasha.
  4. Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa Xaqa beeniya.
  5. Miyaannaan idinka abuurin biyo tabar yar?
  6. Markaasna yeellay meel ilaashan.
  7. Tan iyo muddo la yaqaanno.
  8. Annagaa wax qaddarnay, wax qaddarana u fiican.
  9. Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa Xaqa beeniya.
  10. Miyaanaan ka yeelin dhulka kafaala-qaade?
  11. Nolol iyo geeriba.
  12. Waxaana yeellay dhulka dhexdiisa buuro sugan oo waawayn, waxaana idinka waraabinnay biyo macaan.
  13. Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa Xaqa beeniyay.

 

Eebbe wuxuu inooga digay wixii ku dhacay ummadihii hore, isagoo ina xusuusin waxa laynaga abuuray iyo siduu noo abuuray, iyo siduu dhulka inoogu sahlay looguna dul noolaan, looguna dhiman, buurana ugu sugay biyo macaanna inooga waraabiyay. Culimada Qur’aanka fasirtayna waxay dheheen Eebbe wuxuu ku celceliyay suuraddan “Halaag wuxuu u sugnaaday kuwa Xaqa beeniyay” toban jeer si loo badiyo doonidda iyo cabsida. Al-Mursalaat (16-28)

 

  1. Aada gaalooy cadaabkii xaggiisa aad beenin jirteen.
  2. Aada hoos [qiiqa naarta] oo saddex madax ah.
  3. Oon hoosinayn, ololla [kulaylna] wax ka tarayn.
  4. Waxayna Naartu tuuri dhimbilo daran ood mooddo daar.
  5. Ama aad mooddo geel madaw ah.
  6. Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa Xaqa beeniyay.
  7. Taasina waa maalin aynan hadlaynin dadku.
  8. Lamana idmo si ay u cudur daartaan.
  9. Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa Xaqa beeniyay.
  10. Maalintan waa maalintii kala-bixinta, waana idin kulminnay idinka iyo kuwii horreeyayba.
  11. Ee haddaad wax dhagri kartaan i dhagra.
  12. Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa Xaqa beeniyay.

 

Eebbe cidna ma dulmiyo Qiyaamana waxaa lagu abaalmarin Xaq-diidayaasha caddibaad daran, iyadoon cidna hadli karin ruux Eebbe idma mooyeen, iyadoo dadkoo dhan la kulmin. Dabarina wuxuu yidhi, “Hooska Naartu kulaylkeedana kama hadheeyo, ololkeedana kama dugsiiyo.” Al-Mursalaat (29-40)

 

  1. Kuwa Eebbe ka dhawrsada waxay ku sugnaan hoos iyo ilo
  2. [Waxayna cuni] khudaartay doonaan.
  3. Waxaana lagu dhihi, “Cuna oo cabba idinkoo shifaysan camalkiinnii dartiis.”
  4. Saasaana ku abaalmarinaynaa kuwa wanaagga fala.
  5. Halaagna wuxuu u sugnaaday kuwa Xaqa beeniya.
  6. [Gaalada waxaa lagu dhihi] “Cuna oo raaxaysta wax yar, waxaad tihiin dambiilayaale.”
  7. Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa Xaqa beeniyay.
  8. Markii la yidhaahdo [gaalada] “Tukada,” ma tukadaan.
  9. Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa Xaqa beeniya.
  10. Hadalkee bay Qur’aanka dabadiis rumayn hayaan?

 

Ruux walba wuxuu la kulmi wuxuu hormarsaday, wuxuuna goosan midhuhuu abuurtay, mu’miniintuna waxay ku sugnaan maalintaas Qiyaame hoos, iyo biyo dureeri, iyo nicmo badan, siday gaaladuba ugu sugan tahay Naar daran iyo oon iyo kadeedba, maxaa yeelay wanaaggoodii adduunyadii bay kusoo hormarsadeen, waxaase la-yaable oo is-waydiis leh ruuxii Qur’aankan rumayn waaya waxa kalees rumayn. Muqaatil wuxuu sheegay, “Inay kusoo dagtay aayadda ‘Haddii loo yidhaahdo tukada ma tukadaan’ Reer Thaqiif, oo Nabiga ka codsaday in salaadda laga daayo, Nabiguna uu diiday (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) oo uu yidhi, ‘Khayr ma leh diin aan salaad lahayn.’” Taasina waxay ku tusin salaadda iyo Islaamnimadu inay isku xidhan yihiin. Al-Mursalaat (41-50)

 

Suurat An-Naba’

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Maxay iska waydiinayaan [gaaladu].
  2. Warkii waynaa xaggiisa [Qiyaamada ama Qur’aanka].
  3. Ay isku diiddanaayeen.
  4. Saas ma aha ee way ogaan doonaan.
  5. Haddana way ogaan doonaan [waxa ku dhaca].
  6. Miyaannaan dhulka gogol ka yeelin.
  7. Buurahana rukummo [ka yeelin].
  8. Miyaannaan idinka abuurinna noocyo.
  9. Miyaannaan hurdada raaxo idiinka dhigin.
  10. Miyaannaan habeenka asturaal idiinka dhigin.
  11. Miyaannaan maalinta waqti shaqo idiinka dhigin.
  12. Korkiinna miyaannaan ka dhisin toddoba xoog leh.
  13. Miyaannaan dhexdeeda yeelin siraad aad u ifi [qorraxda].

 

Aayadahani waxay caddayn canaanta ku dhici kuwa Qur’aanka, Qiyaamda iyo Xaqa shakiya, Eebbana wuu u goodiyay, maxaa yeelay nicmooyinkiisa yay u jeedaan, sida dhulka, buuraha, abuurka, hurdada raaxada ah, habeenka, maalinta, cirka iyo Iftiinka Eebbe inoo yeelay, Eebbaha ahaysiiyay waxyaalahaas iyo nicmooyin kale oo badanba ma mudna in laga gaaloobo, ee wuxuu mudan yahay rumayn iyo addeecid. An-Naba’ (1-13)

 

  1. Waxaan idiinka soo dajinnay daruuraha biyo badan.
  2. Si aan ugu soo bixinno midho iyo daaq.
  3. Iyo beero kulansan [badan].
  4. Maalinta kala-buxu waxay leedahay waqti go‘an.
  5. Waana maalinta suurka la afuufi ood u imanaysaan kooxo.
  6. Samadana waa la furi waxayna yeelan albaabo.
  7. Buurahana waa la kaxayn waxayna noqon dhalanteed.
  8. Naarta Jahannamana waxay u darban tahay.
  9. [Gaalada] xadgudbay meelay u noqdaan.
  10. Waxayna ku nagaan dhexdeeda sanooyin.
  11. Mana ku dhadhamiyaan dhexdeeda qabaw [ama hurdo] ama cabbid midna.
  12. Waxaan ahayn biyo kulul iyo dhacaanka [ehlu-Naarka].
  13. Waxaana lagu abaalmariyay si waafaqsan camalkoodii.
  14. Waxayna ahaayeen kuwa aan ka yaabaynin xisaab.

 

Deeqda Eebbe waxay mudan tahay in lugu mahadiyo, maxaa yeelay waxaa dambeeya Qiyaame, xisaab, abaalmarin iyo ciqaab kuwa xadgudba een Eebbe ka yaabin, waxayna ku waari Naar daran oon wax wanaaagsan oo la cabbo iyo hurdo iyo raaxo midna lahayn, Eebbana cidna ma dulmiyo, ee iyagaa is dulmiyay. Qataada wuxuu yidhi, “(Nagaanshaha sanooyinka) waa waxaan dhammaan haynin, markuu mid tagaba mid baa iman.” An-Naba’ (14-27)

 

  1. Waxayna beeniyeen aayaadkannaga.
  2. Wax walbana waxaan ku koobnay kitaab.
  3. Ee dhadhamiya caddibaad gaalooy waxaan caddibaad ahayn idiin kordhin maynee.
  4. Kuwa Eebbe ka dhawrsada waxay leeyihiin liibaan.
  5. Beero iyo cinabyana way heli.
  6. Waxayna guursan haween da‘ yar oo isle’eg.
  7. Waxayna heli cabbid wanaagsan.
  8. Jannada kuma dhex maqlaan hadal macna la‘aan ah iyo is beenin midna.
  9. Waa abaalmarin Eebbe uu siiyay oo ku filan.
  10. Eebbaha samada iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya waa Allaha Raxmaan ah, hadal wax ku soo celinna ma jiro [Qiyaamada].
  11. Maalinta Jibriil iyo malaa’igtu saf istaagi wax hadli ma jiro ruux Eebbe idmo mooyee oo hadal xaq ah ku hadla.
  12. Maalintaasi waa sugan tahay ee ruuxii doona Eebbe xaggiisa meeluu ku noqdo haka samaysto.
  13. Waxaannu idiinka digaynaa caddibaad dhaw maalinta uu arki ruux walba waxay gacmihiisu hor marsadeen, gaalkuna uu dhihi, “Shallaytadaydee maan carro noqdo.”

 

Eebbe wuxuu ku dhaartay malaa’igta siduu wax badan khalqigiisa ugu dhaartay in Qiyaamadu tahay wax sugan ruuxii rumeeyana ee Xaqa raaca uu ugu abaaJ-mariyo Janno iyo wanaag. Maalinta Qiyaame iyo dhibaatadeedana waa in ruuxii caqli leh u darbadaa, illeen waa maalin xaq ah, ruux walbana wuu arki wuxuu hor marsaday, calaacalna uusan wax taraynin ee camal wax taro. An-Naba’ (28-40)

 

Suurat an-Naazicaat

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Eebbe wuxuu ku dhaartay malaa’igta nafta si daran uga siibta [gaalada].
  2. Iyo tan si fudud uga qaadda [mu‘miniinta].
  3. Iyo malaa’igta hawada dabbaalata [si amar fulin].
  4. Iyo tan u orotanta wanaagga.
  5. Iyo kuwa maamula amarka [Eebbe].
  6. Maalinta ay gilgilan afuufka [hore].
  7. Oyna raaci tii dambe [waa sugan tahay].
  8. Qalbiyaduna maalintaa way cabsan.
  9. Araggeeduna wuu dullaysnaan.
  10. Waxayna dhihi [gaaladu], “Ma raadkii baa naloo celin [adduunkii]?”
  11. Markaan noqonno lafo duugoobay.
  12. Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah.
  13. Waa uun hal qaylo kaliya.
  14. Dadkuna markaas ay dhulka kor iman.

 

Eebbe wuxuu ku dhaartay malaa’igta siduu wax badan khalqigiisa ugu dhaartay in Qiyaamadu wax sugan tahay dhibaatana leedahay Eebbe cid uu ka koriyo mooyee, dadkana waa lasoo kulmin si loo abaalmariyo, Eebbaha abuuriddoodii karayna kama daalo inuu soo bixiyo wayna u fududdahay. Tirmidi wuxuu wariyay, in Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha yeelee) markuu tago habeenka daloolkiis wuu istaagi jiray, wuxuuna dhihi jiray, “Dadoow xusa Eebbe afuufiddii hore timid tii dambena way raaci, geerina timid iyo wixii ku dhex sugan.” An-Naazicaat (1-14)

 

  1. Ma kusoo gaadhay warkii [Nabi] Muuse.
  2. Markii Eebbe uga yeedhay toggii barakaysnaa ee Duwaa.
  3. Kuna yidhi u tag Fircoon wuu xadgudbaye.
  4. Oo ku dheh, “Ma rabtaa inaad daahir noqotid?”
  5. “Oon Eebbe Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid.”
  6. Wuxuuna tusiyay [Nabi Muuse] aayad wayn.
  7. Wuuse beeniyay oo caasiyay [Fircoon].
  8. Wuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda.
  9. Wuxuuna kulmiyay [askartii] una qayliyay.
  10. Isagoo dhihi, “Waxaan ahay eebbihiinna sare.”
  11. Markaasaa Eebbe ciqaabay aakhiro iyo adduunba.
  12. Arrintaasna waano yaa ugu sugan ruuxii Eebbe ka yaabi.

 

Nabi Muuse wuxuu Eebbe faray inuu dadkii Masar dagganaa Xaqa ugu yeedho hase yeeshee Fircoon oo xukunka haystay yaa ka hor joogsaday, uguna yeedhay inay isaga addeecaan, mar hadduu awoodda sare isagu leeyahay, ugu dambayntiise Fircoon iyo colkiisiiba waa la halaagay waxaana dhulkii u hadhay Nabi Muuse iyo intii la jirtay ee Xaqa rumaysay, taasina waxay ku tusin in xumaantu tagi Xaquna hadhi. An-Naazicaat (15-26)

 

  1. Ma idinkaa daran abuuridda mase samada? Eebbaa dhisay.
  2. Korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna.
  3. Habeenkeedana madoobeeyay maalinteedana soo bixiyay [Ifiyay].
  4. Dhulkana markaas kadib fidiyay.
  5. Biyahiisa iyo daaqiisana soo bixiyay.
  6. Buurahana sugay.
  7. Si aad idinka iyo xoolihiinnu ugu nafcidaan.
  8. Markay timaaddo musiibadii waynayd [Qiyaamadu].
  9. Maalintaas dadku way xusuusan waxay faleen.
  10. Naarta Jaxiimana waxaa loo muujin ruuxii arki.
  11. Ruuxiise xadgudba.
  12. Nolosha adduunyana doorta.
  13. Wuxuu ku dheelman Naarta Jaxiimo.
  14. Ruuxiise ka yaaba la kulanka Eebbe naftana ka reeba hawada [xun].
  15. Wuxuu u dheelman Janno.
  16. Waxay ku waydiin Saacadda [Qiyaamaha] markay sugnaan.
  17. Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda.
  18. Eebbe un buu ku dhammaan ogaansheheedu.
  19. Adugu waxaad tahay uun u digaha ruuxii ka yaabi.
  20. Waxay la mid noqon maalintay arkaan [Qiyaamada] iyagoon nagaanin galab iyo barqin mooyeen [adduunka].

 

Isagoo Eebbe u nicmeeyay yaa haddana dadku Xaqa beenin iyo Qiyaamadaba, markase dhabtu timaaddo Eebbana la hor yimaaddo waxaa la kala aadi laba waddo, Jaxiima iyo Janno, Qiyaamadu markay dhicina Eebbaa ku cilmi leh, mase aha wax la dadajisto, waxaase wax tari in wanaag la hormarsado, raaxa adduun iyo ku raagiddiisuba waa wax yar. Qataada wuxuu yidhi, “Adduunyadu way la yaraan dadka markay Aakharo arkaan.” An-Naazicaat (27-46)

 

Suurat Cabasa

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Wajiguu u uruuriyay oo jeedsaday [Nabigu].
  2. Inuu u yimid kii indhaha la’aa.
  3. Miyaad ogtahay inay u dhawdahay inuu hanuuno oo daahir noqdo.
  4. Ama uu xusuusto oy xusuustu anfacdo.
  5. Ruuxiise is deeqtoonaysiiya [islana waynaada].
  6. Ma adaa u bambixi.
  7. Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin.
  8. Ruuxiise kuu yimaadda isagoo dagdagi.
  9. Oo Eebba ka yaabi.
  10. Miyaad ka shuqloomi.
  11. Saas ma aha ee aayadahani waa waano.
  12. Ruuxii doonana wuu ku waana qaadan.

 

Suuraddani waxay kusoo dagtay mar Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) uu ku shuqloonaa qaar ka mid ah gaaladii Qureesheed ee Makkaad si uu ugu sharxo Diinta Islaamka ah, markaasaa waxaa u yimid nin indha la‘aa la dhihi jirayna Cabdullaahi ibnu Ummi Maktuum, wuxuuna ku celceliyay Nabiga hadalka, hase yeeshee Nabigu wuxuu wali ku shuqloonaa hanuuninta gaaladaas. Markaasaa Eebbe suuraddan soo dajiyay, Nabiguna had iyo jeer wuxuu soo dhaween jiray saxaabigaa lasoo sheegay isagoo dhihi jiray, “Soo dhawow kii Eebbe Igu dagaalayow,” taasina waxay ku tusin caddaaladda iyo sinnaanta Islaamka, Eebbana cidduu doono wuu hanuunin. Cabasa (1-12)

 

  1. Waxay ku sugan tahay [waanadu] Kutub sharaf leh.
  2. Oo la kor yeelay lana daahiriyay.
  3. Oy gacanta ku hayaan malaa’ig [wax qorta].
  4. Sharafna leh oo baarri ah.
  5. Gaalo halla lacnado gaalnima badanaa.
  6. Muxuu Eebbe ka abuuray kuwaas.
  7. Dhibic buu ka abuuray wuuna ekeeyay.
  8. Jidkana wuu u fudaydiyay.
  9. Markaasuu dilaa qabrina ku asturaa.
  10. Markuu doonana wuu soo bixin.
  11. Saas ma aha [ee dadku] wixii la faray ma yeelin.

 

Kutubta Eebbe iyo waxyigiisaba waxaa maamula malaa’ig sharaf leh oo daahir ah, gaalase ma oggolaato Xaqa, kibir iyo isla-wayni dartiis, iyagoo garan waxa Eebbe dadka ka abuuray iyo siduu ugu sama-falay, dadse ma falin wixii Eebbe faray. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Jidkaa loo sahlay waa kasoo bixiddi uurka hooyo,” Cikrimana saasuu qabaa iyo Ibnu Jariir. Labada jid yaa loo kala caddeeyayna waa la dhahaa. Mujaahidna wuxuu yidhi, “Ruuxna ma wada falo wixii Eebba wada faray.” Cabasa (13-23)

 

  1. Dadku ha fiiriyo cuntadiisa.
  2. Inaan roob kusoo shubno.
  3. Dhulkana markaas aan jeexno.
  4. Kana soo bixinno midho.
  5. Iyo cinab iyo daaqa [xoolaha].
  6. Iyo zeytuun iyo timir.
  7. Iyo beero waawayn.
  8. Iyo faakiho [khudaar] iyo daaq.
  9. Si aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolihiinnu.
  10. Markay qayladii darrayd timaaddo [suurka].
  11. Waa maalinta ruuxu ka carari walaalkiis.
  12. Iyo hooyadiis Iyo aabbihiis.
  13. Iyo haweeneydiisii iyo carruurtiisii.
  14. Ruux walbana maalintaas waxaa shuqlin xaalkiisa.
  15. Wajiyaal maalintaas way nuuri [farxi].
  16. Wayna qosli oy bishaaraysan.
  17. Wajiyaalna maalintaas waxaa ka muuqan dulli.
  18. Waxaana dabooli madow [iyo naxdin].
  19. Kuwaasina waa gaalada faasiqiinta ah [aadna u xun].

 

Eebbe wuu u nicmeeyay dadka, cirka iyo dhulkana khayraad buu ugasoo saaray si ay ugu nafciyaan uguna mahadiyaan, maxaa yeelay waxaa iman maalin daran oo ruuxba ruux ka carari dhibaato darteed kolay tahay qaraabadii, dadku labuu noqon, mid farxoo bishaaraysta camalkiisii fiicnaa dartiis, iyo mid dullaysan oo naxsan waana gaalada xadgudubtay.

Sawda haweenaydii Nabiga ahayd waxaa laga wariyay inay tidhi, “Rasuulkii Eebbe wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), ‘Dadka waxaa lasoo bixin iyagoo kaba la’ oo qaawan oon gudnayn dhididkuna xakameeyay gaadhayna dhagaha.’ Markaasaan idhi, ‘Alla cawradaay qaar qaar ma dayi?’ Markaasuu yidhi, ‘Dadka waa la shuqliyay.’” Ruux walba xaalkiisaa ku flllaan. Cabasa (24-42)

 

Suurat At-Takwiir

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Marka qorraxda la duubo [Qiyaamada].
  2. Xiddiguhuna daataan [iyagoo madow].
  3. Buurahana la kexeeyo [la rujiyo].
  4. Geelii rimmanaana la halleeyo.
  5. Dugaaggana la kulmiyo [qisaas darted].
  6. Badahana la kululeeyo.
  7. Naf walbana jidhkeedii lagu lammaaneeyo.
  8. Gabdhihii la xabaal-nololiyayna la warsado.
  9. Maxaa dambi ah oo loo dilay?
  10. Kutubta [camalkana] la fidiyo.
  11. Samadana la rujiyo.
  12. Naarta Jaxiimana la huriyo.
  13. Jannadana la dhaweeyo.
  14. Waxay ogaan nafu waxay camal fashay.

 

Eebbe isagaa wax walba abuuray, wuxuu doonana wuu falaa, Qiyaamadu markay imaanna wuxuu muujin calaamooyiin iyadoo ruux walba Eebbe tusin wuxuu adduunka ku camal-falay, kana abaal-marin khayr iyo sharba. Abuu Hurayra wuxuu ka wariyay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), “Qorraxda iyo dayaxa waa la duubi maalinta Qiyaame.” At-Takwiir (1-14)

 

  1. Waxaan ku dhaartay [buu Eebbe yidhi] xiddigaha qarsooma [maalintii].
  2. Ee socda iftiinka qorraxdana ku qarsooma.
  3. Iyo habeenku markuu jeedsado.
  4. Iyo subaxu markuu soo qaabilo.
  5. Ee Qur’aanku waa hadalka Eebbe, soona raray malag sharaf leh.
  6. Xoogna leh Eebba agtiisana daraja ku leh.
  7. Laguna addeeco halkaas aaminna ah.
  8. Saaxiibkiinna [Nabiguna] ma aha ku waalan.
  9. Horay buuna ugu arkay Jibriil jahadii caddayd [bariga Makka].
  10. Nabiguna ma aha ruux lugu shakiyo waxa maqan.
  11. Qur’aankuna ma aha hadal shaydaan la fogeeyay.
  12. Ee xaggeed gaalooy aadaysaan?
  13. Qur’aankuna waxaan waanada caalamka ahayn ma aha [waa waano].
  14. Ruuxii doona inuu toosnaado [yuuna u yahay].
  15. Waxna ma dooni kartaan in Eebbaha caalamku doona mooyee.

 

Xiddigaha iyo khalqiga kalaba dhammaantiis Eebbaa abuuray, wuxuuna Eebbe ugu dhaartay qiimohooda iyo say wax la yaab leh u yihiin, Qur’aankuna waa hadalkii Eebbe ee u Malaku Jibriil u soo dhiibay si uu Nabiga Muxammad ah (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) u gaadhsiiyo, isna caalamka u gudbiyo, waxaana lagu yaqaan Nabiga ammaano, run, caqli iyo gaadhsiin Xaqa sida Nabiyada kaleba. Markay soo dagtay aayaddan, “Ruuxiinnii doona inuu toosnaado,” yuu Abuu Jahal yidhi, “Amarka annigaa iska leh, haddaan doonno waan toosnaan haynaa, haddaan doonnana ma toosnaan hayno.” Markaasaa Eebbe soo dajiyay kor ahaaye, “Wax ma dooni kartaan in Eebbaha caalamku doono mooyeen.” At-Takwiir (15-29)

 

Suurat Al-Infidaar

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Markay samadu dildillaacdo.
  2. Xiddiguhuna daataan.
  3. Badahana laysku furo.
  4. Xabaalahana la soo bixiyo [dadkii].
  5. Waxay ogaan nafu waxay hor marsatay iyo waxay dib marisay.
  6. Dadow maxaa kugu kadiyay Eebbahaaga sharafta leh?
  7. Ee kii ku abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay.
  8. Siduu doonana kuu sameeyey.
  9. Saas ma aha ee waxaad beeninaysaan abaal marinta.
  10. Malaa’ig baana idin ilaalinaysa.
  11. Oo sharaf leh waxna qori.
  12. Ogna waxaad falaysaan.
  13. Kuwa wanaagsani waxay gali Naciima.
  14. Kuwa xunxunna waxay gali Jaxiimo.
  15. Wayna ku guban maalinta abaalmarinta.
  16. Kamana maqnaadaan Naarta.
  17. Maalinta abaalmarinta ma taqaannaa?
  18. Haddana ma taqaannaa Maalinta Abaalmarinta.
  19. Waa maalinta ayna u hanannin nafna naf kale waxba, amarkana maalintaas waxaa iska leh Eebbe.

 

Marka Qiyaamadu dhici waxaa iman doorsoon iyo is baddallo badan, ruux walbana wuxuu ogaan dhabta, saa daraaddeed mar haddii Eebbe dadka kulmin, abuurkoodiina wanaajiyay, caqlina siiyay, malaa’igna usoo diray og wuxuu fali, jidkuna laba yahay, Janniyo Naar, ruuxna ruux kale wax u taraynin idan Eebbe la‘aantiis, amarkana dhammaan Eebbe iska leeyahay miyayna habboonayn Eebbe aqoonsi, wanaag falid, xumaan ka tagid iyo u darbasho maalintaas. Cadullaahi ibnu Cumar wuxuu ka wariyay Nabiga, “Ruuxii ku farxi inuu Qiyaamaha dhab u arko ha akhriyo, ‘Marka qorraxda la duubo,’ ‘Marka samadu dildillacdo,’ iyo ‘Marka samadu jeexjeexanto.’” Al-Infidaar (1-19)

 

Suurat Al-Mudaffifiin

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Wuxuu halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya.
  2. Waa kuwa markay miisina oofsada [dhammaystirta].
  3. Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya.
  4. Miyayna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin
  5. Maalin wayn darteed [Qiyaamada]?
  6. Maalinta dadku u istaagi Eebbaha caalamka.
  7. Saas ma aha ee camalka kuwa xun wuxuu ku qoran yahay Sijiin.
  8. Ma taqaannaa Sijiin?
  9. Waa kitaab calaamaysan.
  10. Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa beeniya [Xaqa].
  11. Ee ah kuwa beeniya maalinta abaal marinta.
  12. Waxaana beeniya Xaqa mid xad gudba oo dambiila ah.
  13. Marka Qur’aanka lagu akhriyana yidhaahda, “Waa warkii dadkii hore.”

 

Ganacsiga iyo wax kala gadashadu waa xalaal bannaan haddii jidkeeda la mariyo, waana xaaraan xun haddii la leexiyo oo dadka lagu boobo, ruuxiise Eebbe ka yaabi iyo hor istaaggiisa Maalinta Qiyaame waa inuu iska jiraa ganacsi xun, illeen Eebbe caddibaad daran yuu ugu gooddiyay kuwaase. Nabiguna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), “Maalinta dadku u istaagi waynanka Eebbaha caalamka Maalinta Qiyaame, dhididkuna dadkuu xakamayn ilaa uu ka gaadho dhagahooda.” Waxaa wariyay Imaamu Axmad binu Xanbal. Al-Mudaffifiin (1-13)

 

  1. Saas ma aha ee waxaa fuulay [mirdhiyay] qalbigooda waxay kasban jireen oo dambi ah.
  2. Waxaa sugan in Eebbohood maalintaas [Qiyaame] laga xijaabi.
  3. Markaasna ay gali Jaxiimo.
  4. Waxaana loo odhan tani waa Naartaad ku beeninayseen adduunka.
  5. Saas xaalku ma aha ee kitaabka iyo camalka dadka wanaagsan wuxuu ku qoran yahay cilliyiin.
  6. Cilliyiin ma taqaannaa?
  7. Waa kitaab la calaameeyay [oo dadka fiican magaciisa lagu qoro].
  8. Waxaana gacanta ku haya malaa’ig Eebbe u dhaw.
  9. Kuwa wanaagsan waxay gali Naciima [Janno].
  10. [Maalinta Qiyaamana] sariiro yay ku dangiigsanaan oy wax ka daawan.
  11. Wajigooda yaanad ka garan nicmada.
  12. Waxaana laga waraabin cabbid la dhawray [oo macaan].
  13. Waxaana lagu khatimaa miski iyo udgoon, ee arrintaas ha u tartameen tartamayaashu.
  14. Waxaana lagu dheehi cabbitaan sare.
  15. Waa il ay ka cabbaan kuwa Eebbe u dhaw.

 

Dambigu wuxuu halleeyaa quluubta dadka, wuxuuna sabab u noqdaa Eebbe oo iska xijaaba ruuxaas, sidaa oo kale wuxuu u hoggaamiyaa dadka Naarta iyo caddibaad. Dadkase Eebba addeeca waxay ku raaxaysan Janno iyo cabbid macaan oo xalaal ah iyo aragga Eebbahood, waana xaal loo orotamo loona dadaalo. Al-Mudaffifiin (14-28)

 

  1. Kuwii dambaabay [gaaloobay] waxay ahaayeen kuwa ku qosla kuwii xaqa rumeeyay.
  2. Hadday maraanna way xaqiri jireen.
  3. Markay guryahoodii u noqdaanna [gaaladu] waxay noqon jireen iyagoo isla-wayn [oo raaxaysan].
  4. Markay arkaan mu’miniintana waxay dhahaan, “Kuwaasi waa dhunsan yihiin.”
  5. Loomana dirin inay ilaaliyaan mu’miniinta.
  6. Maalinta [Qiyaame] kuwa rumeeyay Xaqa waxay ku qosli gaalada.
  7. Sariiro korkood yayna wax ka daawan.
  8. Miyaan laga abaal-marinnin gaalada waxay falayeen? [Waa laga abaalmariyay.]

 

Isla-waynida iyo kibirka iyo dadka Xaqa rumeeyay oo la xaqiro lana liido waxay dhaxalsiin dulli caddibaad Aakhiro iyo adduunba, waana shaqada iyo falka kuwa xunxun een caqliga lahayn. Eeg waxay ku dambeeyeen Reer-Caad, Fircoon, qawmkii Nabi Nuux, Qureyshtii Reer-Makkaad iyo cid kasta oo isla-waynaatay xadna-gudubtay, saa darteed waa in laga digtoonaado falalkaas oo kale, wanaaggana la raaco, illeen waa layska abaal-marin wixii la falaye. Al-Mudaffifiin (29-36)

 

Suurat Al-Inshiqaaq

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Marka samadu jeexjeexanto [Qiyaamada].
  2. Oy Eebbe addeecdo waana xaq addeeciddiisunee.
  3. Marka dhulka la fidiyo [Qiyaamada].
  4. Oo uu soo tuuro waxa ku hoos jira, kana madhnaado.
  5. Oos Eebba addeeco waana xaq addeeciddaasina. [Wuxuu la kulmi ruux walba camalkiisa].
  6. Dadow waxaad u dhibboon ood u camal fali xagga Eebbe, waadna la kulmi.
  7. Ruuxiise kitaabkiisa [fiican] midigta laga siiyo [waa mu‘minkee]
  8. Waxaa la xisaabin xisaab fudud.
  9. Wuxuuna ku noqon ciddiisii [Jannada joogtay] isagoo faraxsan.
  10. Ruuxiise kitaabkiisa laga siiyo gadaashiisa [waa dadka xune]
  11. Wuxuu u yeedhan halaag.
  12. Wuxuuna gali Naarta Saciira.
  13. Maxaa yeelay markuu dadkiisii dhex joogay yuu kibirsanaa [adduunkii].
  14. Wuxuuna malayn hayay inuusan Eebbe usoo noqonaynin [Qiyaame].
  15. Saas ma ahee Eebbe waa arkaa.

 

Qudrada Eebbe iyo awooddiisu wax walba waa ka sarraysaa, maxaa yeelay isagaa wax walba ahaysiiyay, wax awooddiisa ka baxsanna ma jiro, laba waddo un baana jira, ruux walbana wuxuu qaadi tuu u camal-falo. Rasuulka Eebbana (naxariis iyo nabadgalya korkiisa Eebbe ha yeelee) wuxuu yidhi, “Idinku waxaad falaysaan camallo aan la aqoonin, waxayna u dhawdahay Inuu usoo noqdo kii maqnaa reerkiisii oo uu farxo ama naxo.” Waxaa wariyay Dabaraani. Al-Inshiqaaq (1-15)

 

  1. Waxaan ku dhaartay [buu yidhi Eebbe] midabka qorrax dhaca.
  2. Iyo habeenka iyo wuxuu qariyay.
  3. Iyo dayaxa markuu nuurku buuxsamo.
  4. Ee dadow waxaad koraysaan xaalado kala duwan.
  5. Dadka maxaa u sugnaaday oy la rumayn waayeen [Xaqa].
  6. Marka Qur’aanka lagu akhriyana ayna u sujuudaynin.
  7. Saas ma ahee kuwa gaaloobay waxay beenin [Xaqa].
  8. Eebbana waa ogyahay waxay qarsan.
  9. Ugu bishaaree caddibaad daran.
  10. Hase yeeshee kuwa rumeeyay Xaqa camal fiicanna falay waxay mudan ajri aan go‘aynin.

 

Eebbe wuxuu ku dhaartay in dadku mari xaalado kala duwan, sida yaridda, duqnimada, caafimaadka, cudurka, hodontinnimada, Saboolnimada iyo geerida iyo nolosha, haddana saas dadku isagoo arka yuu Xaqa beenin oo leexan, ruuxiise camal fiican la yimaadda lagama nusqaamiyo ee wuu la kulmi isagoo dhan, dadkuna shaqay ku dhibboon, waxaana la huraynin la kulanka Eebbe. Al-Inshiqaaq (16-25)

 

Suurat al-Buruuj

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. [Eebbe wuxuu ku dhaartay] samada xiddigaha leh [iyo jidadkooda].
  2. Iyo maalinta laysu yaboohay [Qiyaamada].
  3. Iyo dadka joogsan maalintaas iyo waxyaalaha iman maalintaas.
  4. Ee lacnadi haku dhacdo kuwii godka lahaa [mu‘miniinta lagu caddibo].
  5. Ee ahaa naar olal [iyo shidaal] leh.
  6. Gaaladiina ay kor fadhiyeen godka.
  7. Iyagoo daawan waxa lagu fali mu‘miniinta [oo jirrabaad ah].
  8. Waxay ku neceen dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebbaha adkaada ee la mahadiyo.
  9. Ee leh samada iyo dhulka xukunkooda, Eebbana wax walba wuu u jeedaa.
  10. Kuwa mu‘miniinta rag iyo haweenba jirraba haddana aan tawbad keenin waxay mudan caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubi.

 

Suuraddani waa suurad wayn oo la-yaab leh, kana qisoon inay jirtay in nin xun oo gaal ah xukumi jiray dad, hase yeeshee dadkii qaarkiis ay Xaqa rumeeyeen, markaas uu faray ciidammadiisii in god dab lagu shido, ruuxii Diinta ka bixi waayana lagu tuuro, isaga iyo colkiisiina ay daawanayeen, hase yeeshee mu‘miniintii Xaqii bay ku sugnaadeen si kastoo loo caddibay, taasina waxay ku tusin ku sugnaanta Xaqa iyo adkaysiga si kastoo dhib kuu soo qaabilo. Al-Buruuj (1-10)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyey camal fiicanna falay waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda wabiyaal, taasina waa liibaan wayn.
  2. Qabashada Eebbana [ciqaabtiisu] way daran tahay.
  3. Eebbe isagaa khalqiga ahaysiiyay soona celin.
  4. Waana dambi-dhaaf badane jecel [kuwa addeeca].
  5. Carshiga sharafta lahna isagaa iska leh.
  6. Wuuna falaa wuxuu doono.
  7. Ma kusoo gaadhay warkii junuuddii [gaaladii]
  8. Fircoon iyo Thamuud?
  9. Hase yeeshee kuwii gaaloobay waxay ku sugan yihiin beenin [Xaqa].
  10. Eebbana waa koobay [kamana baxsadaan].
  11. Waase Qur’aan sharaf leh.
  12. Oo ku qoran Ioox la dhawray [Lawxul Maxfuudka).

 

Kuwa xaqa rumeeyay oo camal fiican fala Janno iyo wanaag baa u dambeeya waana liibaan wayn, Eebbana wuxuu doonuu sameeyaa, waana awood wayn yahay, gaaladii iyo xaq-diidayaashiina waa kii ciqaabay, waxay gaaladu beeninna waa uun Qur’aan sharaf leh oo la dhawray. Xasan Al-Basri wuxuu yidhi, “Qur’aanka sharafta leh wuxuu ku sugan yahay Eebba agtiisa Lawxul Maxfuudka, wuxuuna kasoo dajin wuxuu doono, kuna dajin cidduu doono oo khalqigiisa ah. Al-Buruuj (11-22)

 

Suurat ad-Daariq

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. [Eebbe wuxuu ku dhaartay] samada iyo xiddigga guura.
  2. Ma taqaan xiddigga guura?
  3. Waa xiddig ifa.
  4. Ee naf walba waxaa kor jooga ilaaliye [malag].
  5. Ee dadku ha dayo waxa laga abuuray.
  6. Waxaa laga abuuray biyo booda.
  7. Kana soo baxa dhabar iyo laab dhexdood.
  8. Eebbana waa karaa soo celinta dadka [Qiyaamada].
  9. Maalinta la imtixaani waxa [laabta] ku qarsoon.
  10. Dadkuna xoog ma leh [maalintaas] iyo wax u gargaaara midna.
  11. [Eebbana wuxuu ku dhaartay] samada roobka leh.
  12. Iyo dhulka jeexma [waxna kasoo baxo].
  13. Ee Qur’aanku waa hadal wax kala bixiya [wanaagga iyo xumaanta].
  14. Ciyaarna ma aha [ee waa dhab].
  15. Gaaladu wax bay dhakri.
  16. Annaguna waannu kaydi [abaal-marin].
  17. Ee u sug gaalada wax yar.

 

Naf walba waxaa ilaaliya malag, waana la xisaabin doonaa maalinta wixii qarsoonaa la faydi, ee waa in qalbiga, niyada, iyo camalkaba la wanaajiyaa, xumaan, dhagar iyo khiyaamana laga fogaado, illeen Eebbe cidna kama fakatee. Ad-Daariq (1-17)

 

Suurat al-Aclaa

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waynee magaca Eebbe ee sarreeya.
  2. Eebbaha abuuray khalqiga ekeeyayna.
  3. Eebbaha wax walba qaddaray Jidkana tusiyey.
  4. Eebbaha soo bixiya daaqa.
  5. Kana dhiga markaas kadib caws ingagan oo madow.
  6. Waxaan kuu akhriyaynaa Qur’aanka halmaamina maysid.
  7. Wuxuu Eebbe doono mooyee, Eebbana waa ogyahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.
  8. Waxaana kuu fududayn haynaa Waddo Fiican.
  9. Ee wax waani [Nabiyow] markay wax tari waanadu.
  10. Waxaa waantoobi ruuxa Eebbe ka yaabee.
  11. Waxaana ka fogaan waanada ruuxa xune.
  12. Ee ah mid gali Naar wayn.
  13. Oon kuna dhimanayn dhexdeeda kuna noolaanayn.
  14. Waxaana liibaanay ruuxii daahir noqda.
  15. Magaca Eebbana xusa, salaaddana tukada.
  16. Saas ma aha ee dadku wuxuu doortay nolosha adduunyo ee dhaw.
  17. Aakhiraase khayr badan baaqina ah [hadhi].
  18. Arrintaasuna waxay ku sugan tahay Kutubtii hore.
  19. Kutubtii [Nabi] Ibraahiim iyo [Nabi] Muuse.

 

Eebbaa sharaf badan, magaciisuna sidoo kale waa sharaf badan yahay, wax walbana isagaa qaddaray, Jidkana isagaa kala caddeeyay, ruuxii fiicanna tan san buu qaadi, ruuxii xunna tan daran buu qaadi, wuxuuna ku noolaan ma-disha ma-noolayso, liibaan waxaa leh ruuxii mu‘min noqda xuska Eebbe iyo salaaddiisana badiya, nolosha adduunyana ayna khaldin, illeen Aakharaa fiicane. Waxaa lasoo sheegayna waxay ku sugnayd Kutubihii hore, sida kii Nabi Ibraahiim iyo Nabi Muuse. Saxiixu Muslim waxaa ku sugnaaday, “Eebbe wuu qaddaray maamulka khalqiga, abuuridda samaawaadka iyo dhulka ka hor konton kun oo sano, carshigiisuna wuxuu ahaa biyaha korkooda.” Al-Aclaa (1-19)

 

Suurat al-Qaashiyah

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Ma kusoo gaadhay Qiyaamada warkeedii?
  2. Wajiyaal maalintaas way dullaysnaan.
  3. Waxayna qaban shaqo dhib ah.
  4. Waxayna gali Naar kulul.
  5. Waxaana laga waraabin il kulayl daran.
  6. Wax cunto ahna kama helaan oon ahayn cunno xun [oo wax dhibta].
  7. Taasoon waxna cayilin haynin gaajana wax ka taraynin.
  8. Wajiyaalna maalintaas way nicmaysnaan [waa mu‘miniinta].
  9. Waxayna ka raalli noqotay camalkeedii.
  10. Janno sarana way gali.
  11. Kumana maqasho Jannada hadal macna darro.
  12. Waxaana ah dhexdeeda il socota.
  13. Iyo sariiro la kor yeelay.
  14. Iyo koobab la hor dhigay [ehlu-Jannaha].
  15. Iyo barkimooyin la safay.
  16. Iyo gogol la fidiyay.

 

Qiyaamada iyo sida dadku u qaybsami laba waddana u kala qaadi, iyo Jannada iyo wanaaggeeda, iyo Naarta iyo xumaanteeda, wax badan buu Qur’aanku ka hadlay, waxaase loo baahan yahay uun in loo darbado, wanaaggana la falo, xumaantana laga tago. Rasuulkii Eebbana wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalya korkiisa Eebba ha yeelee), “War ma jiraa ruux u tafa xaydan Jannada? Jannadu khatar ma lehee, Eebbaha Kacbadaan ku dhaartaye waa nuur ifi, odgoon gilgilan, sar la qurxiyay, wabi socda, midho bisil, haweeney wanaagsan oo quruxsan, labbis badan, iyo nagaadi waligeed ah oo daar Nabad-Gashay, iyo faakihad iyo khudaar iyo farax iyo nicmo, meel sare oo quruxsan,” markaasay dheheen, “Haa Rasuulki Eebbow, annagaa u tafa xaydan,” markaasuu yidhi, “Dhaha, ‘Hadduu Eebbe doono,” markaasay qawmkii dheheen, “Hadduu Eebbe doono.” Waxaa wariyay Ibnu Maajah. Al-Qaashiyah (1-16)

 

  1. Miyayna fiirinaynin sida geela loo abuuray.
  2. Iyo sida samada loo kor yeelay.
  3. Iyo sida buuraha loo taagay,
  4. Iyo sida dhulka loo fidiyay.
  5. Ee waani dadka waxaad tahay waaniyee [Nabiyow].
  6. Mana tihid mid xoog [qasab] ku leh.
  7. Hase yeeshee ruuxii xaqa ka jeedsada oo gaalooba [kusoo celi Xaqa].
  8. Eebbana wuu caddibi caddibaadda u wayn.
  9. Xagganagayna usoo noqon [khalqigu].
  10. Annagaana xisaabin.

 

Waa in la fiiriyaa khalqiga Eebbe laguna waana qaataa, sida cirka, dhulka, buuraha, geela iyo makhluuqaatka kalaba, Diinta Islaamkuna ma aha qasab iyo dirqi ee waa uun waano, hase yeeshee ruuxii xadgudba oo fasahaad la socda waa la qaban, isagooy u dambayso tii Aakhirana. Hadalna wuxuu ku dhan yahay in Eebba loo noqon uuna xisaabin. Waxaa laga wariyay Abuu Umaama inuu maray Khaalid bini Yaziid binu Mucaawiya, markaasuu waydiiyay kalimaddii ugu jilicsanayd ees ka maqlay Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), wuxuuna yidhi, “Waxaan Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha yeelee) maqlay isagoo leh, ‘Dhammaantiin Jannadaad galaysaan ruux Eebbe ka carara mooyeen, sida neef geela ehelkiisa uga cararo.’” Waxaa wariyay Imaamu Axmad. Al-Qaashiyah (17-26).

 

Suurat al-Fajr

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. [Eebbe wuxuu ku dhaartay] waabariga.
  2. Iyo habeennada tobanka ah [Arrafo].
  3. Iyo tirada siman iyo tan is dheer.
  4. Iyo habeenku markuu tagayo.
  5. Miyayna arrintaasu ahayn wax loogu dhaarto qof caqli leh?
  6. Ma kusoo gaadhay sida Eebbahaa ku falay Caad
  7. Ee ahaa Irama xooggana lahaa
  8. Wax la mid ahna aan lagu abuurin dhulka
  9. Iyo Thamuudkii ahaa dhagaxa kuwa ku jarjara waadiga
  10. Iyo Fircoonkii dhakawyada lahaa?
  11. Kuwiina ahaa ku xadgudbay dhulka
  12. Kuna badiyay dhexdiisa fasaadka
  13. Markaasaana Eebba ku shubay caddibaad daran.
  14. Maxaa yeelay Eebbe waa u darban yahay [abaalmarinta].

 

Eebbe wuxuu abaal-mariyay halaagayna kuwii Xaq-diidayaasha ahaa Nabiyadana beeniyay, isna biday xoog iyo tabar, ruux kastoo is-kibriyana oo xumaan iyo fasaad dhulka ku sameeyana wuxuu la kulmi waxay la kulmeen, wuxuuna ka cabbi weelkay ka cabbeen, taasina waa sunnada Eebbe wax baddalina ma jiro. Al-Fajr (1-14)

 

  1. Marka Eebbe dadka imtixaano xoolana ugu nicmeeyo wuxuu dhihi [kan xun], “Waa la i sharrifay,” [isagoo faani].
  2. Haddiise Eebbe imtixaano oo xoolaha ku yareeyo wuxuu dhihi, “Eebbaa i dulleeyay.”
  3. Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaalaynayn agoonka.
  4. Mana fartaan in masaakiinta wax la siiyo.
  5. Waxaadna aad u cuntaan dhaxal xaq darro.
  6. Xoolahana waxaad u jeceshihiin si daran.
  7. Saas ma aha ee marka dhulka la burburiyo.
  8. Eebbe iyo malaguna la yimaaddo amarkiisa malaa’igtoo safan.
  9. Naarta Jahannamana maalintaas la keeno, dadku waxay xusuusan waxay faleen. Maxayse xusuusi tari?
  10. Waxay dhihi, “Shallaytee maan wanaag hormarsado.”
  11. Maalintaas sida Eebbe wax ruux u cadaabi ma jiro.
  12. Wax sida Eebbe wax u xidhina ma jiro.
  13. Naftase xaqa rumaysay ee xasillooneey
  14. U noqo Eebbahaa adoo raalli ah lagana raalli noqday
  15. Dhex galna addoomadayda [wanaagsan].
  16. Galna Jannadayda.

 

Xoola badnida iyo saboolnimaduba waa imtixaan Eebbe, mana aha jacayl Eebbe iyo nebcaansho midna. Saas daraaddeed waa in wax bixinta lays faro, lana dhaqaaleeyo agoonta iyo masaakiinta, booli cuniddana layska jiro. Nabiguna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), “Guriga ugu khayr badan Muslimiinta wa guriga agoon loogu sama-falo, guriga ugu shar badan Muslimiintana waa guri agoon lagu xumeeyo.” Waxaa laga wariyay Cabdullaahi ibnu Mubaarak. Saa daraaddeed waa in wanaag la hor marsadaa si raalli ahaanshaha Eebbe iyo Jannadiisa loo helo, iyo naf xasilloon, illeen Qiyaame iyo xisaab baa dambaysee. Al-Fajr (15-30)

 

Suurat al-Balad

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Eebbe wuxuu ku dhaaran magaalada Makkaad [ee sharrifan].
  2. Ood Nabiyow daggan tahay dhexdeeda.
  3. Iyo Nabi Aadam iyo carruurtiisa [dadka].
  4. Ee Eebbe dadka wuu abuuray iyagoo dhib iyo shaqo [adduunka kala kulmi].
  5. Ma waxayse [dadku] u maleeyeen inaan cidna awood ku lahayn?
  6. Dadka [gaalada] waxay odhan, “Waxaan bixiyey xoolo badan,” [si Xaqa loo horjoogsado].
  7. Ma wuxuu u maleeyay [xaq-diiduhu] inaan cidna arkaynin?
  8. Miyaannaan u yeelin laba indhood
  9. Iyo carrab iyo laba bishimood?
  10. [Oo miyaannaan] u caddaynin labada jid [khayrka iyo sharka]?

 

Magaalada Makka yuu Eebbe ku dhaartay, maxaa yeelay waa magaalo barakaysan, Qur’aankana lagu soo dajiyay, Nabigana laga bixiyay, Kacbaduna ku taallo, saas darteed waa in la wayneeyo, addunkuna waa halgan iyo dhib, waase in Xaqa la raacaa loona adkaystaa, bixinta xooluhuna waa inay ahaataa dar Eebbe, maxaa yeelay Eebbe wuxuu inagu galladaystay nicmooyin badan, sida indhaha, caqliga, afka, carrabka, iyo bishimaha, si aad wanaag ugu hadashid, waddadana Eebbe waa ina tusiyay, si aan Jidka wanaagga u qaadno kan xunna uga leexanno. Nabiguna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), “Baladkan Eebbe wuu xaaraam yeelay maalintuu abuuray samaawaadka iyo dhulka. Waana xaaraam sida Eebbe u xarrimay ilaa Qiyaamada, geedkiisa lama rujiyo, waxaase la ii banneeyay saacad maalin ka mid ah, iyaduna waxay ku noqotay xaaraamnimadeedii shalay oo kale, ha gaadhsiiyo midka jooga kan maqan.” Waxaa wariyay Muslim iyo Bukhaari iyo kutubta sunnada ee kale. Al-Balad (1-10)

 

  1. Ee dadku muu jiidho jiirta.
  2. Ma taqaannaa jiirta?
  3. Waa qoor la xoreeyo.
  4. Iyo cunno la siiyo maalin gaajo
  5. Agoon kuu dhaw
  6. Ama miskiin dhulka ku dhagay [dhibaato darted].
  7. Markaas la noqdo kuwa rumeeyay Xaqa, isuna dardaarma samirka, isuna dardaarma naxariista.
  8. Kuwaasina waa kuwa midigta mari.
  9. Kuwa ka gaaloobayse aayaadkannaga waa kuwa jidka xun mari.
  10. Waxaana lagu dabooli Naar.

 

Qiimaha noloshu waa in ruuxu halgamo Xaqana raaco, dhibka halgan kaasna u adkaysto, dadka goommoonna wax ku taro, gaar ahaan agoonta iyo masaakiinta, si markaas ruuxu ugu mid noqdo kuwa sama-falay ee samirka iyo naxariista is fara, Jidka wanaagsanna qaada xumaanna ka taga. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Ruuxaan u naxariisanin kaannaga yar aqoonsaninna xaqa ka wayn, naga mid ma aha.” Waxaa wariyay Abuu Daawuud. Al-Balad (11-20)

 

Suurat ash-Shams

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. [Eebbe wuxuu ku dhaartay] qorraxda iyo barqinkeeda.
  2. Iyo dayuxu markuu qorraxda raaco.
  3. Iyo maalintu markay ifiso.
  4. Iyo habeenku markuu daboolo [madoobaado].
  5. Iyo samada iyo say u dhisan tahay.
  6. Iyo dhulka iyo suu u fidsan yahay.
  7. Iyo nafta iyo sida Eebbe u ekeeyay.
  8. Una tusiyay jidka xun iyo ka Eebbe ka-yaabiddaba.
  9. Ee waxaa liibaanay ruuxii naftiisa daahiriya.
  10. Waxaana khasaaray ruuxii naftiisa xumaan dhex galiya.
  11. Thamuud waxay beeniyeen [Xaqii] kibir dartiiis.
  12. Markuu tagay koodii xumaa [si uu hasha u dilo].
  13. Oo Rasuulkii Eebbana ku yidhi, “Iska daaya hasha Eebbe iyo cabbideeda.”
  14. Wayna beeniyeen Rasuulkii, hashiina way dileen, markaasaa Eebbe si daran u caddibay dambigooda dartiis.
  15. Isagoon Eebbe ka yaabaynin cidhib [iyo wax yeello].

 

Eebbe wuxuu ku dhaartay toddobo arrimood oo suuraddan ka mid ah, in ruuxii xaqa ku toosnaada uu liibaani, kii jidka xun qaadana uu khasaari, isla waynida dambiga, iyo Xaq-diidnimaduna sabab u noqoto halaag iyo ciqaab. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), “Ruux kasto oo la dhalo waxaa lagu dhalaa fidrada (Islaamka).” Waxaa kale oo uu dhihi jiray isagoo sujuudsan, “Eebbow sii naftayda cabsideeda, daahirna yeel, adaa u khayr badan ku wax daahiriyee, adigaa wali u ah sayidkeedana ah.” Waxaa wariyay Imaam Axmed. Ash-Shams (1-15)

 

Suurat al-Layl

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. [Eebbe wuxuu ku dhaartay] habeenku markuu wax qariyo.
  2. Iyo markay maalintu muuqato [ifto].
  3. Iyo abuuridda dadka lab iyo dhaddigba.
  4. In camalkiinnu [dadow] kala duwan yahay.
  5. Ruuxiise bixiya [xuquuqda] Eebbana ka dhawrsada.
  6. Rumeeyana tii wanaagga badnayd [ciwal].
  7. Waxaannu u fududaynaa wanaagga [iyo Jidka fiican].
  8. Ruuxiise ku bakhayla xoolaha isna deeqtoonaysiiya [is-kibriya].
  9. Beeniyana tii wanaagga badnayd [ciwal].
  10. Waxaan u fududaynaa jidka xun.
  11. Xoolihiisuna wax uma taraan markuu halaagsamo.
  12. Annagaa wax hanuuninna.
  13. Aakhariyo addunbana annagaa iska leh.
  14. Waxaana idiinka digaynaa Naar kulayl daran.
  15. Oosan galaynin ruux xun mooyeen.
  16. Oo Xaqa beeniyay jeedsadayna.
  17. Waxaana ka fogaada [galidda naarta] ruuxii Eebba ka dhawrsada.
  18. Ee bixiya xoolihiisa si uu u daahir noqdo.
  19. Ruux wax ugu nicmeeyayna oo abaalmarinna ma uusan jirin.
  20. Ee wuxuu u bixin dar Eebbaha sarreeya.
  21. Wuuna raalli noqon doonaa ruuxaasi.

 

Eebbe wuxuu ku dhaartay in camalka dadku kala duwan yahay, ruuxii toosana Jidka wanaagsan loo fududayn, kii beeniya oo qalloocdana jid xun uu qaadi, Aakhariyo adduunna Eebbaa iska leh, ee waa in laga digtoonaado xumaanta, wanaagga iyo dar Eebbe wax u bixintana lagu dadaalo. Jaabir bini Cabdillaahi waxaa laga wariyay inuu yidhi, “Rasuulkii Eebbow ma waxaan u camal falaynaa amar la dhammeeyay mise amar aannu cosboonayn?” Markaasuu yidhi, “Amar la dhammeeyay,” markaasuu yidhi Suraaqo, “Camalku maxaa weeye marka?” Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) markaas wuxuu yidhi, “Ruuxii camal faliba waxaa loo fududayn camalkiisa.” Waxaa wariyay Muslim. Al-Layl (1-21)

 

 

Suurat ad-Duxaa

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. [Eebbe wuxuu ku dhaartay] barqinka.
  2. Iyo habeenku markuu xasilo [madoobaado].
  3. Inaan Eebbe kaa tagin [Nabiyow] kuuna cadhoonin.
  4. Aakharana kaaga khayr badan adduunka.
  5. Eebbaana ku siin doona [wanaag] waadna raalli noqon.
  6. Miyuusan ku helin Eebbahaa adigoo agoon ah oosan ku dhawaynin?
  7. Miyuunase ku helin adigoo baadi ah oosan ku hanuunin?
  8. Miyuunase ku helin adigoo caydhi ah oosna ku hodminin [kuu waxyoonin]?
  9. Ee agoonta ha xoogin [hana dhibin].
  10. Ka wax su‘aalina ha canaanan.
  11. Nicmada Eebbahaana ka sheekee [ku mahadi].

 

Suuraddani waa suurad wayn, sida suuradaha Qur’aanka ee kalaba, waxayna kusoo dagtay mar Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) xanuunsaday gaaladuna dheheen, “Muxammad shaydaankiisii wuu ka tagay,” iyagoo ula jeeda Malaku-Jibriil oo waxyiga dib ula yar dhacay, Eebbana wuxuu suuradda ku sheegay nicmooyin uu Nabiga siiyay, iyo agoonka inaan la dhibin, kuwa dhibaataysanna ee wax warsanna aan la canaanan, nicmada Eebbana lagu mahadiyo. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), “Hodontinnimadu ma aha xoolo badni, laakin hodontinnimadu waa hodonnimada nafta.” Waxaa wariyay Bukhaari iyo Muslim. Ad-Duxaa (1-11)

 

Suurat ash-Sharx

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Miyaannaan kuu waasicinin laabta [kuu nuurinin]?
  2. Oonnaan kaa dajinin culayskii
  3. Dhabarka kaa cusleeyay?
  4. Miyaannaan kor yeelin magacaaga [xusiddaada]?
  5. Cidhiidhina waxaa ku dhaw fudayd [faraj].
  6. Cidhiidhina waxaa ku dhaw fudayd.
  7. Ee markaad salaadda dhammayso isku dhib [samo-fal].
  8. Eebbana [khayr] ka rajee.

 

Eebbe wuxuu Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) ku mannaystay wanaag badan, sida laabta oo loo nuuray, culayska oo laga dajiyay, iyo magaciisa oo la kor yeelay, wuxuuna Eebbe sheegay in cidhiidhi kasta faraj ku dhawyahay, wuxuuna faray in ducada iyo khayrkana lagu dadaalo, Eebbana wanaag laga rajeeyo. Qataada waxaa laga wariyay in loo sheegay in Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha yeelee) asxaabtiisii ugu bishaareeyay aayaddan yidhina, “Hal cidhiidhi kama adkaado laba fudayd.” Waxaa wariyay Ibnu Jariir. Ash-Sharx (1-8)

 

Suurat at-Tiin

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Eebbe wuxuu ku dhaartay tiinka iyo zeytuunka.
  2. Iyo Duuri Saynaa.
  3. Iyo magaaladan aaminka ah [Makka].
  4. Ee waxaana ku abuurnay dadka muuqaal toosan.
  5. Kaddibna waxaan u celinaynaa hoos [gabow dartiis].
  6. Hase yeeshee kuwa rumeeyey xaqa camal wanaagsanna falay, waxay mudan ajri aan go‘aynin.
  7. Ee maxaa gaalada u sababay beeninta Qiyaamada intaas ka dib.
  8. Miyuusan Eebbe ahayn kan ugu xukun wanaagsan? [Eebaa xukun wanagsan.]

 

Suuraddani waxay ka warrami sida Eebbe u abuuray dadka, una wanaajiyey abuurkiisa, haddana ugu celin gabow iyo tabar yari ciddii cimrida, Eebbana wuxuu ku abaal marin kuwa wanaagga falay wanaag iyo ajir aan dhammaanayn, Eebbana waa kan xukunkiisu caadilka iyo Xaqa yahay uguna fiican yahay. Abuu Hureyra waxaa laga wariyey, “Hadduu mid idinka mid ah akhriyo suuraddan iyo dhammaadkeeda ha yiraahdo, ‘Waxaan ka mid ahay kuwa marag furi.’” At-Tiin (1-8)

 

Suurat al-Calaq

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Wax ku akhri [Nabiyow] magaca Eebbe ee abuuray [khalqiga].
  2. Dadkana ka abuuray calaq [wax yar oo ku dhaga darbiga riximka, dib u eegaha].
  3. Akhri Eebbena waa kan sharafta lehe.
  4. Ee dadka baray sida qalinka wax loogu qoro.
  5. Dadkana baray waxayna aqoonin.
  6. Saas ma aha ee dadku [gaaladu] waa gudbeen.
  7. Markuu isku ogaaday hodontinnimo.
  8. Eebbahaa xaggiisaase loo noqon.
  9. Ka warrama midka ka reebaya.
  10. Addoon [Eebbe] oo tukan salaadda.
  11. Bal ka warrama hadduu ka laga reebi hanuunsan yahay [waa Nabiga]
  12. Ama uu fari Eebba ka-yaabid
  13. Balse ka warrama hadduu midka wax ka reebi uu beeniyay [Xaqa] kana jeedsaday [waa Abuu Jahal iyo wixii la mid ahe]
  14. Miyuusan ogayn in Eebbe arko?
  15. Saas ma aha ee hadduusan joogin waxaannu qaban foodda.
  16. Food beenaaleey ah gafna badan.
  17. Ha u yeedho gargaarihiisa.
  18. Waxaannu u yeedhi malaa’ig darane.
  19. Saas ma aha ee warkiisa ha maqlin sujuudna una dhawow [Eebbe].

 

Suuraddani waa suuraddii Qur’aanka usoo hor dagtay, waxayna ka billaabatay faridda wax barashada iyo qalinka, taasoo ku tusin sida Diinta Islaamku ugu horrayso wax barashada iyo la dagaallanka jahliga, waxaa kalooy ku tusin xumaanta isla-waynida iyo dadka oo xaqa laga reebo, iyo inaan la maqlin xumaanle warkiis ee Eebbe lagu xidhnaado illeen isagaa xoog iyo awoodba leh. Abuu Hurayra waxa laga wariyay in Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) yidhi, “Addoonku wuxuu Eebbihiis ugu dhaw yahay markuu sujuudsan yahay ee badiya ducada.” Waxaa wariyay Muslim. Al-Calaq (1-19)

 

Suurat al-Qadr

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Annagaa soo dajinnay Qur’aanka Laylatul [habeenka] Qadarka [sharafta leh].
  2. Ma taqaannaa Laylatul Qadarka?
  3. Waa habeen ka khayr badan kun bilood [oo kale].
  4. Waxaana soo daga malaa’igta [kale] iyo Malaku Jibriil habeenkaas idanka Eebbe dartiis iyo amarkiisa.
  5. Waana habeen nabadgalyo inta waagu ka baryi.

 

Wuxuu Eebbe innoogu sheegay suuraddan inuu Qur’aanka sharafta leh soo dajiyay habeenkaa wanaagsan ee ka khayr badan kun bilood, waxaana la sheegay in habeenkaasi ku jiro bisha barakaysan ee Soon. Saas daraadded mar hadduu yahay habeen sharaf leh malaa’igtuna soo dagi habeen nabadgalyana yahay, waa in lagu dadaalaa sidii loo heli lahaa wanaaggana la badiyo, xumaantana la yareeyo. Abuu Hurayra waxaa laga wariyay in Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) inuu yidhi, “Ruuxii istaaga Laylatu Qadarka (salaad) rumayn iyo ajri-doonid darteed waa loo dhaafaa wixii hormaray oo dambigiisa ah.” Waxaa wariyay Bukhaari iyo Muslim. Al-Qadr (1-5)

 

Suurat al-Bayyinah

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Ma aha kuwii gaaloobay ee ahaa ehlu-Kitaabka [Yahuud iyo Nasaara] iyo gaaladii kuwo ka taga [xumaanta] intuu uga yimaaddo wax cad [xuja ah].
  2. Oo ah Rasuul Eebbe oo akhriyi Kutub daahir ah.
  3. Oo xukun fiicani ku yaal.
  4. Mana kala tagin gaalada ehlu-Kitaabka ah intuu uga yimaaddo xaq cad [xasad dartiis].
  5. Dadkana waxaan Eebbe caabudiddiisa ahayn lama farin iyagoo u kali yeeli Eebbe diinta, toosanna, salaaddana oogi, zakadana bixin, saasina waa diinta toosan.
  6. Kuwa gaaloobay oo ehlu-Kitaabka ah iyo gaaladii waxay gali Naarta Jahannama ayna ku waari dhexdeeda, kuwaasina waa kuwa ugu shar badan khalqiga.
  7. Kuwa rumeeyayse Xaqa camal fiicanna falay kuwaasi waa kuwa ugu khayr badan khalqiga.
  8. Abaalkooda ay Eebbe agtiisa ku leeyihiin waa Jannooyin Nagaadi, dhexdeedana ay dureeri wabiyaal ay kuna waari dhexdeeda waligood, Eebbaa ka raalli noqday iyana way ka raali noqdeen, arrintaasna waxay u sugnaatay ruuxii Eebba ka yaaba.

 

Suuraddu waxay sheegi xumaanta gaalada iyo inay Nabiga, Qur’aanka iyo Xaqaba diidi xasad, kibir iyo xaq-diidnimo, hase yeeshee Diintu iyo wanaaggeeduba waa cad yihiin sida maalintoo kale, dadkuna waa laba, mu‘min khayr badan oo Janna gali, iyo gaal shar badan iyo xumaan oo Naar gali (Eebba ha naga koriyee). Nabiguna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yelee), “Yahuudi waxay u kala tagtay kow iyo toddobaatan qaybood, Nasaarana waxay u kala tageen laba iyo toddobaatan qaybood, ummaddanna waxay u kala tagi saddex iyo toddobaatan qaybood, dhammaanna Naartay gali mid mooyeene.” Waxay dheheen, “Waa tee Rasuulkii Eebow?” Wuxuu yidhi, “Waa tan ku socota saan nahay ani iyo asxaabtayda.” Al-Bayyinah (1-8)

 

Suurat az-Zalzalah

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Marka dhulka la gilgilo.
  2. Dhulkuna soo bixiyo culayskiisii [wixii ku aasnaa].
  3. Dadkuna [gaaladuna] dhahaan, “Maxay leedahay?”
  4. Maalintaas waxay ka sheekayn warkeeda.
  5. Maxaa yeelay Eebbaa u waxyooday.
  6. Maalintaas dadku way soo bixi iyagoo kala tagsan [xagga diinta iyo camalkaba] si ay u arkaaan camalkooda.
  7. Ruuxiise wax yaroo khayra fala wuu arki.
  8. Kiise wax yar oo shar ah fala wuu arki.

 

Qiyaamadu waa xaq sugan si ruux walba looga abaal mariyo camalkiisa, khayr ruuxii fala wuu la kulmi, xumaan yar ruuxii sameeyana wuu arki, ruux walbana suu ka diin yeesho yaa lugu abaal marin. Abuu Hurayra waxaa laga wariyay inuu yidhi, “Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) yaa akhriyay aayaddan, ‘Maalintaas waxay ka sheekayn warkeeda.’ Wuxuuna yidhi, ‘Ma ogtihiin warkeeda?’ Waxay dheheen Eebbe iyo Rasuulkiisaa og,’ wuxuu yidhi, ‘Warkeedu waa inay ku marag kacdo addoon kastaba wuxuu ku camal falay korkeeda, iyadoo dhihi, ‘Wuxuu camal falay sidaa iyo sidaa, maalin hebla iyo maalin hebla.’ Warkeedu wakaas.’” Waxaa wariyay Axmad iyo Tirmidi iyo Nasaa’i. Az-Zalzalah (1-8)

 

Suurat al-Caadiyaat

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. [Eebbe wuxuu ku dhaartay] fardaha Jahaadka u orda iyagoo qayliyi.
  2. Iyo kuwa dabka qoobkooda ku ifiya [guuraha].
  3. Iyo kuwa cadawga weerara subaxdii.
  4. Ee boodhka kiciya.
  5. Cadawgana dhex gala.
  6. Ee dadku Eebbohood waa diideen.
  7. Arrintaasna dadku wuu ogyahay.
  8. Dadkuna xoola-jacaylka waa ku daran yahay.
  9. Miyuuna ogayn marka xabaalaha waxa ku jira lasoo bixiyo
  10. Laabaha waxa ku qarsoonna la muujiyo
  11. In Eebbohood maalintaas ogyahay?

 

Jahaadka gaaladu waa arrin wayn oo waajib ah, kaasoo ah in loo darbado wax kasta oo qalab ah, qiimaha arrintaasna waxaa ku tusin in Eebbe ku dhaartay. Waxaa kale oy suuraddu ina tusin madax-adaygga dadka iyo xoola-jacaylkiisa, marse haddii Qiyaame la iman, Qalbiga wixii ku qarsoonaana la muujin Eebbana wax walba ogyahay, soo in loo darbado khayrkana la badiyo ma haboona? Al-Caadiyaat (1-11)

 

Suurat al-Qaaricah

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Qaaricada [qalbiga garaacda].
  2. Qaarica maxay tahay?
  3. Mase taqaannaa Qaarico?
  4. Waa maalinta dadku noqon sida baalallay.
  5. Buuruhuna ay noqon sida suuf kala firdhay.
  6. Ruuxiise miisaankiisa [fiican] cuslaado.
  7. Wuxuu ku noolaan nolol raalli ah.
  8. Ruuxiise uu fududaado miisaankiisa [fiican].
  9. Wuxuu u hoydaa [Naarta] Haawiya.
  10. Ma taqaannaa Haawiya?
  11. Waa Naar kulayl daran.

 

Maalinta Qiyaame magacya badan bay leedahay, waxayna ku tusin waynideeda siduu yidhi Cali binu Abii Daalib, “Magacyada badan waxay ku tusin waynida ay leedahay.” Waana maalin miisaan caddaalad la taagi, ruux walbana uu la kulmi wuxuu hormarsaday, oo ah abaal-marin Janno wanaagsan, ama Naar kulayl badan. Rasuulkii Eebbana wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), “Naartii baa u dacwootay Eebbeheed iyadoo leh, ‘Eebbow qaarkay baa qaar cunay,’ markaasuu u idmay laba neefsasho, mid qabowga ah iyo mid kulaylka ah, waana qabowga u daran eed heshaan xagaagii, iyo kulaylka u daran eed heshaan jiilaalkii.” Waxaa wariyay Bukhaari iyo Muslim. Al-Qaaricah (1-11)

 

Suurat at-Takaathur

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaa idin shuqliyay dadow wax badsasho [iyo isu faanid].
  2. Intaad xabaalaha ka tagtaan [dhimataan].
  3. Saas ma aha ee waad ogaan doontaan.
  4. Haddana saas ma ehee waad ogaan doontaan [faanka cidhibtiisa].
  5. Haddaad dhab ahaan wax u ogtihiin [waad dayn lahaydeen xumaanta].
  6. Dhab ahaan baad u arkaysaan [Naarta] Jaxiima.
  7. Ka dibna waxaad u arkaysaan [Naartaas] si yaqiin ah.
  8. Waxaana laydin warsan maalintaas nicmadii.

 

Faan iyo isla-wayni wax qiima ah ma leh, waxaana lagala kulmaa cidhib-xumo iyo khasaare, marse haddii la dhiman dhab ahaanna wax loo arki doono, nicmadii addunyana lays waydiin doono waa in wanaag la hormarsadaa, xoolo iyo dad isugu faanna laga tagaa, xooluhu maxay tari haddaan wanaag loo hormarsanin. Rasuulkii Eebbana wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), “Maydka waxaa raaca saddex, laba way soo noqon midna wuu la jiraa. Waxaa raaci ehelkiisa, maalkiisa iyo camalkiisa, waxaa soo noqon ehelkiisii iyo maalkiisii, waxaana ku hadhi camalkiisii.” Waxaa wariyay Bukhaari, Muslim iyo Tirmidi. At-Takaathur (1-8)

 

Suurat al-Casr

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. [Eebbe wuxuu ku dhaartay waqtiga] casarka ah.
  2. In dadku khasaaro ku sugan yahay.
  3. Marka laga reebo kuwa rumeeyay Xaqa ee camal fiican fala, isuna dardaarma Xaqa, isuna dardaarma samirka.

 

Suuraddani waa suurad gaaban, hase yeeshee aad u wayn, waxayna caddaysay in dadku khasaaray wixii kasoo hadhay kuwa Xaqa rumeeyay camal wanaagsanna la yimid, wanaaggana is faray, samirkana isu dardaarmay. Dabaraani wuxuu ka wariyay Cubaydullaahi binu Xafse inuu yidhi, “Laba ruux oo asxaabtii Rasuulka ka mid ah waxay ahaayeen hadday kulmaan inaynan kala tagin isagoon midkood akhriyin suuraddan ilaa dhammadkeeda, markaasay isa salaami jireen.” Imaamu Shaaficina wuxuu yidhi (Eebba haka raalii noqdee), “Dadku hadday suuraddan fiiriyaan way u waasac noqon lahayd (ku fillaan lahayd).” Al-Casr (1-3)

 

Suurat al-Humazah

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Halaag wuxuu u sugnaaday xanle wax ceebeeya oo dhan,
  2. Oo xoolaha kulmiya [xaqana ku bixinin].
  3. Ma wuxuu u malayn in xoolihiisu waarin?
  4. Saas ma aha ee waxaa lagu tuuri (Naarta) Xudama.
  5. Ma taqaannaa Xudama?
  6. Waa Naarta Eebbe ee la huriyay.
  7. Gubaysana quluubta [kulayl dartiis].
  8. Waana lagu dabooli Naartaas gaalada.
  9. Tiirar la fidiyay yayna ahaan dhexdeeda.

 

Xanta, dadkoo la xaqiro oo la yaso, xoolahoo la kulmiyo oon xaqa lagu bixinin waa arrimo xun ruuxii ku kacana sabab ugu noqota Naar galiddeed, saa daraaddeed waa in layska jiraa xumaanaha lasoo sheegay, illeen xan wax kuuma qabato, xoolana kuma waariyaan. Al-Humazah (1-9)

 

Suurat al-Fiil

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Ma ogtahay sida Eebba ku falay asxaabtii [colkii] maroodiga?
  2. Miyaan Eebbe ka yeelin dhagartoodii wax dhumay?
  3. Oosan ku dirin korkooda shimbiro kooxa ah.
  4. Kuna tuuraysa dhagaxyo la kululeeyay.
  5. Markaas Eebbe ka yeelay bal la daaqay sidiis.

 

Suuraddani waxay ka warrami arrin dhacday Nabiga dhalashadiisii wax yar ka hor, (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) oo ah in gaal Xabashi ah Yaman kasoo duulay si uu usoo dumiyo Kacbada sharafta leh, markuu Makka kusoo dhaw yahayna Eebbe ku sii daayay shimbiro dhagaxyo ku tuuri colkiina saa ku jabay, Kacbadiina nabad gashay. Arrintaasu la-yaab ma leh, maxaa yelay Eebbe isagaa awood leh, immisayse dhacday wax shimbiro ka yar intay wax halaageen. Al-Fiil (1-5)

 

Suurat Quraysh

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Caadaysigii Qureysheed.
  2. Ay ka caada yeesheen safarka xagaaga iyo jiilaalka darteed.
  3. Ha u caabudeen Eebbaha Baytkan [Kacbada].
  4. Eebbihii ka quudiyay gaajo, kana aamin galiyay cabsi.

 

Eebbe isagaa abuuray dadka isagaana quudiya, halkanna wuxuu ku mannaystay oo xusuusiyay Qurayshtii Reer Makkaad siduu Eebbe ugu nicmeeyay, taasoo ah inuu kulmiyay, baahina ka quudiyay, cabsina ka nabad galiyay, si ay Eebbe ugu mahad-naqaanna ay waajib tahay inay caabudaan, ruuxii Eebbe u nicmeeyana shukrigeedaa ku waajib ah. Rasuulkii Eebbana (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) wuxuu akhriyay suuraddan markaasuu yidhi, “Magaciin ba’ Qureyshey, caabuda Eebbaha Baytkan, idinka quudiyay gaajo, idinkana aamin yeelay cabsi.” Quraysh (1-4)

 

Suurat al-Maacuun

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Ka warrama kan beenin abaalmarinta [Qiyaamada].
  2. Kaas xooga agoonta [xaqeeda].
  3. Aan kuna boorrinaynin quudinta miskiinka.
  4. Waxaa halaag u sugnaaday kuwa tukan [waa munaafiqiinta]
  5. Ee haddana halmaansan salaaddooda.
  6. Dadkana is tusiya.
  7. Una diida alaabta [laysugu kaalmeeyo].

 

Abaalmarinta oo la beeniyo, agoontoo la dhibo, masaakiintoon wax lagu sadaqaysanin, salaaddoo layska hilmaamo, dadkoo lays-tustusiyo iyo weelasha iyo kaalmadoo la ceshado waa arrimo xun xun oyna wanaagsanayn in loo dhawaado. Rasuulkii Eebbana wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), “Ruuxii dadka maqashiiya camalkiisa Eebbana wuxuu maqashiiyaa khalqigiisa, wuuna xaqiraa wuuna yareeyaa.” Waxaa wariyay Imaam Axmad. Al-Maacuun (1-7)

 

Suurat al-Kawthar

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Annagaa ku siinnay [Nabiyow] waadi Janno [iyo khayr badan].
  2. Ee u tuko Eebbahaa dartiis, waxna u gawrac.
  3. Ruuxii ku necebna waa mid cidhib beelay.

 

Eebbe wuxuu ugu nicmeeyay Nabigiisa Muxammad ah (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) waadi Janno, wuxuuna faray in shukri dartiis uu u tukado salaaddana daa’imo, waxna gawraco, wuxuuna u sheegay in ruuxii la collooba uu cidhib-beeli. Ibnu Cumar wuxuu yidhi, “Waxaa Eebbe Nabiga siiyay wabi ku yaal Jannada oo labadiisa dhinac dahab iyo fiddo yihiin, oo jowhar daadin, biyihiisuna ka cad yihiin caano, kana macaan yihiin malab.” Waxaa wariyay Tirmidi. Al-Kawthar (1-3)

 

Suurat al-Kaafiruun

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaad dhahdaa, “Gaalooy.”
  2. “Ma caabudayo waxaad caabudaysaan.”
  3. “Idinna ma caabudaysaan Eebbahaan caabudi.”
  4. “Mana caabudin waxaad caabuddeen.”
  5. “Idinkuna [hadda] ma caabudaysaan Eebbahaan caabudi.”
  6. “Idinkana diintiinna yaad leedihiin, anna Diintaydaan leeyahay.”

 

Suuraddani waxay soo dagtay markii gaaladii Quraysheed ay Nabiga waydiisteen inuu ilaahyadooda [sanamyadooda] sano caabudo, iyana Ilaahiisa ay sano caabudaan, markaasaa Eebbe soo dajiyay suuraddan, maxaa yeelay Ilaahay wax kasoo hadhay oo la caabudo ama laga eebba yeesho ma aha isku soo dhawaansho, ee waxaa isku soo dhawaansha ah xumaantoo laga tago, iyo wanaaggoo la raaco, waxayna ku tusin suuraddu inaan ruuxna qasab lagu islaaminin. Rasuulkii Eebbana wuxuu ahaa (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) markuu seexanayo kii akhriya suuraddan ilaa uu ka dhammeeyo. Waxaa wariyay Dabaraani. Al-Kaafiruun (1-6)

 

Suurat an-Nasr

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Markuu yimaaddo gargaarkii Eebbe iyo Fatxiga [furashada Makka].
  2. Ood aragtid dadkoo Diinta Eebbe usoo gali kooxo.
  3. U tasbiixso Eebbe adoo ku mahadin, dambi-dhaafna waydiiso illeen waa dambi-dhaaf badanee.

 

Suuraddani waxay soo dagtay ayaamihii u dambeeyay ee noloshii Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee), isagoo Eebbe fari in marka magaalada barakaysan ee Makka lasoo celiyo dadkuna Islaamnimada koox koox u galaan inuu Nabigu cibaadada Eebbe badiyo kana tawbad dalbo. Waxayna ku tusin suuraddu nicmadoo lagu shukriyo, iyo in Eebbe Diintiisa u gargaari, waxaa kaloy ku tusisay ajashii Nabiga (nabadgalyo iyo naxariis korkiisa Eebbe ha yeelee). Nin daris u ahaa Jaabir bini Cabdillaahi yaa wuxuu yidhi, “Waxaan kasoo galay safar markaasuu ii yimid Jaabir bini Cabdillaahi ina salaamay. Markaasaan ugu sheekeeyay suu dadku u kala tagay iyo waxay la yimaadeen, markaasuu Jaabir ooyay, isagoo leh, ‘Waxaan Rasuulkii Eebbe ka maqlay (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) isagoo leh, ‘Dadku waxay ku galeen diinta Eebbe kooxo, waxayna uga bixi doonaan kooxo.’’” Waxaa wariyay Imaam Axmad. An-Nasr (1-3)

 

Suurat al-Masad

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaa khasaaray gacmihii Abuu-Lahab, halaagmayna.
  2. Waxna uma tarin xoolihiisii iyo wuxuu kasbadayna.
  3. Wuxuuna gali Naar olal leh.
  4. Haweenaydiisii qoryaha xambaari jirtayna [waxay gali Naar].
  5. Luqunteedana waxaa la yeeli xadhig liif ah.

 

Suuraddani waxay soo dagtay Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) mar uu koray goor subax ah buurta Safaa, dadkana u yeedhay kuna yidhi, “Haddaan col idin soo weerari idiin sheego ma i rumaysanaysaan?” Markaasay dheheen, “Waannu ku rumaysan runna waannu kugu naqaannaa.” Markaasuu yidhi, “Haddaba waxaan idiinka digi caddibaadda Eebbe.” Abuu Lahab baa markaa yidhi, “Khasaare ha kugu dhecee ma waxaasaad noogu yeedhay?” Waxayna ku tusin suuraddu inaan qaraabannimo, xoolo iyo carruur midna wax taraynin hadduu ruux dhumo Xaqana ka leexdo, sida Abii Lahab iyo haweenaydiisii xumaanta ku taageertay. Al-Masad (1-5)

 

Suurat al-Ikhlaas

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaad dhahdaa [Nabiyow] Eebbe waa kali [wehelna ma leh].
  2. Waana sayid [deeqtoon].
  3. Eebbe wax ma dhalin, isna lama dhalin.
  4. Wax la mid ahna ma jiro.

 

Suuraddani waa suurad gaaban, hasa yeeshee waa suurad aad iyo aad u wayn, waxayna soo dagtay markay gaaladii Qureysheed Nabiga ku dheheen Eebbahaaga noo tilmaan, wuxuuna Eebbeheen ku caddeeyay suuraddan inuu kali yahay, maxaa yeelay wehel uma baahna, inuu sayid kaaftoon yahay, dadkuna u baahan yihiin, inuusan wax dhalin siday gaalada qaarkood sheegtay, wax la mid ahna uusan jirin. Bukhaari wuxuu wariyey inaan Eebbe cidna uga adkaysin badnayn dhibuu maqlay, ilmay u sheegeen isna wuu arsuqaa oo caafiyaa. Hadalkii Eebbe ee Qudsiga ahaa waxaa ku sugnaaday, “Ibnu Aadam wuu i beeniyey kumana habboona, wuuna i caayey kumana habboona, beenintiisu waa inuu yidhi iima soo celiyo siduu igu billaabay, billawguna iigama fududa soo celinta, caydiisuna waa inuu yidhi, ‘Eebbe ilmuu yeeshay,’ anna waxaan ahay keli sayid ah, mana dhalin laymana dhalin wax ila mid ahna ma jiro.” Waxaa wariyey Bukhaari. Al-Ikhlaas (1-4)

 

Suurat al-Falaq

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaad dhahdaa [Nabiyow], “Waxaan ka magan galay Eebbaha subaxa [abuuray].
  2. Wixii shar leh sharkiisa
  3. Iyo habeenka sharkiisa markuu madoobaado
  4. Iyo sharka sixirrowga wax ku tufa guntimaha
  5. Iyo sharka xaasidka wax xasda.

 

Suuraddani waxay caddayn ku xidhnaanta Eebbe iyo ka-magangalkiisa wixii wax dhiba sida sixirka, xaasidka iyo wax kastoo xun. Caa‘isha waxaa laga wariyey in Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa Eebbe ha yeelee), “Markuu xanuunsado uu isku akhrin jiray Mucawidataynka (labada magangelyo) iskuna tufi jiray, markuu xanuunku ku darraadayna aan ku akhrin jiray magangalyooyinka gacantiisana jidhkiisa ku masixi jiray barako darteed.” Waxaa sheegay Bukhaari, Imaam Maalik, Abuu Daawuud iyo Nasaa‘i. Al-Falaq (1-5)

 

Suurat an-Naas

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaad dhahdaa [Nabiyow] waxaan ka magangalay Eebbaha dadka barbaariya.
  2. Ee dadka xukuma.
  3. Ee ah Ilaaha dadka.
  4. Sharka [iyo xumaanta] waswaasiyaha qarsoon.
  5. Ee waswaasiya laabta [qalbiga] dadka.
  6. [Kuwaas wax waswaasinaya] oo ah jinni iyo insiba.

 

Sidaa oo kale waxay suuraddan sheegi in Eebbaha awoodda leh laga magan galo xumaanta iyo sharka kuwa wax dhibay waxna waswaasinaya, xumaanlowgana ah, ama jinni ha ahaadeen ama insi ha ahaadeene. Waxaa dhab ah in had iyo jeer ay jiraan dhibayaal warxumatashiila, dadka ka qasa diintiisa, aakharadiisa, iyo noloshiisaba. Haddaba waa in kuwaas Eebbe laga hoos galaa, lagana digtoonaadaa. Abuu Darri waxa laga wariyay inuu yidhi, “Waxaan u imid Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa Eebbe ha yeelee) oo masjidka jooga markaasaan fariistay wuxuuna yidhi, ‘Abuu Darr ma tukatay?’ Waxaan idhi maya, wuxuu yidhi ‘Istaag oo tuko.’ Waan istaagay oo waan tukaday, waana fariistay, markaasuu yidhi, ‘Abuu Darr ka magangal Eebbe sharka shayaadiinta insiga iyo jinniga.’ Waxaan idhi, ‘Rasuulki Eebbow, insigu ma shayaadiin buu leeyahay?’ Markaasuu yidhi, ‘Haa.’” Waxaa wariyay lmaam Axmad iyo Ibnu Maajah. An-Naas (1-6)

 

 

Tusmada magacyada suuradaha iyo caddeeynta tan Makkaad iyo tan Madiinaad

Magaca Suuradda Tirada

 

Kaalmada Alle iyo waafajintiisa waxaa ku dhammeystirmay daabicidda Jaamacan sharafta badan iyo tarjamada macnihiisa Gudaha Wadajirka Adeegaha Labada Xaram ee sharafka badan boqor Fahad ee Daabacaadda Jaamaca sharafta badan kuna yaal al-Madiinah al-Munawwarah iyadoo ay maamuleyso Wasaaradda Xajka iyo Awqaafta ee Boqortooyada Sucuudi Carabiyya, sanadka 1412 Hijri.

 

Xuquuqda daabicidda waa dhawran tahay ee uu leeyahay Wadajirka Adeegaha Labada Xaram ee sharafka badan boqor Fahad ee Daabacaadda Jaamaca sharafta badan.

Sanduuqa Boostada 3561 – Al-Madiinah Al-Munawwarah

(01) (4) (12 d 4000)

Af-Soomaaliga iyo Warfaafinta Maanta

Af-Soomaaliga iyo Warfaafinta Maanta

Axmed F. Cali “Idaajaa”

 

In kastoo aanu maanta lahayn dawlad u xil-qabta, isla markaasna aanu jirin guddi iyo hay’ado u gaar ah oo dibudhacii kolba uu muto ka samatabbixiya amaba lagala xisaabtamo, haddana af-Soomaaligu wuxuu weli inaga mudan yahay inaynu sidan u dhaanno! Ku-dhowaad labaatan sano ayuu silic iyo saxariir ka dhergey. Ku-dhowaad labaatan sano ayaanu helin cid ka naxda iyo qolo u soo gurmata toona. Sidaas darteed, waa rajay oo hooyo ma laha, waa agoon oo aabbe looma oga, waana tolgaab oo cid uu u qayshadaa uma noola! Xataa, dagaal-oogeyaasha ay Soomaalidu ka wada haagtay midna kama uu helin, welina jabhad u dooddaa uma ay dhalan!

Waa af hodon ah oo, sokeeyaha ka hor, labadii qarni ee u dambeeyey ay si walba shisheeyaha daneeyaa u qirayeen hodontooyadiisa xagga erayada, maansada iyo, guud ahaan, suugaantiisa aan qornayn ee dadka ku hadlaa ay curiyaan, jecel yihiinna. Waa af fil weyn oo dhismaha weedhiisa, murtidiisa iyo maahmaahdiisaba laga garan karo qarniyo faro badan in lagu soo hadlaayey, sidaasna uu ku yeeshay astaamo u gaar ah oo xeerar ad’adag cuskan.

Sida qaar kale oo Afrikada Bari lagaga hadlo, waa af aan ka abuurmin afaf badaha shishadooda ka soo doolay iyo afguri gobolka horay uga jirey oo isdheehay, dabadeedna isku milmay! Waa af xiriir dhowi ka dhexeeyo kuwo kale oo Geeska Afrika lagaga hadlo sida afafka Cafarta iyo Oroomada. Waase af isku filan oo dhammidood ka madax bannaan, ayna caddahay inuu iskiis u koray.

Dhawr-iyo-soddon sano oo qura ayuu qornaa, sidaas oo ay tahayna waa af awood u yeeshay kasmooyinka iyo fikradaha casriga ah in looga helo eraybixin uu ummadda ku hadasha ugu gudbiyo. Afguri badan oo lahjado* kala kaan ah waa af aan lahayn oo inta ku hadashaayi ay dhib la’aan wax isugu gudbin karto, isuguna garan karto. Isku soo wada duub oo, waa dad la’ yahay mooyee, waa af, isaga oo mudan, ku tirsami kara afafka nool ee daafaha dunida lagaga hadlo, waana af murtida uu xanbaarsan yahay awgeed uu, wadar ahaan, aadanuhu wax ka korosan karo.

*lahjado (dialects)

* * *

Milgada sidaas u weyn afka lihi sow, kolka, inagama mudna in aynu sidaan u dhaanno oo intii la kari karo, macne ahaan iyo naxwe ahaanba, aynu u ilaalinno? Sow inagama mudna xeerarkiisa haddaba aynu wax ka naqaan in aynu dhawrno, si aanay da’yartu u qaayibin gefaf-afeed haddaba laga sixi karo?

Sow inagama mudna in aynu ilaalinno dhismaha hagaagsan ee weedhiisa, si, berri-ka-maalin, cilmi-baareyaasha afafku aanay ugu wareerin, waxna ugu wareerin?

Runtii, intaasba afkeennu wuu inaga mudan yahay, haddii aynu yeeli weynona, waxaa suuraggal ah innaga oo weli nool inaynu ifka ku aragno Soomaali magaca wada sheeganaysa oo af qura inay ku hadlayso ku andacoonaysa, haddana aan is’afgaranayn! Haddaynu af-Soomaaliga isku ladno, waxaan ka cabsi-qabaa waayeelkeenna maanta nooli inaynu noqonno kuwa ugu dambeeya oo iyaga oo garanaaya dhegeysta, dhadhansada, kuna raaxaysta gabayadii quruxda badnaa ee Raage Ugaas, Faarax-Afcad, Saahid Qamaan, Sayid Maxamad Cabdille, Faarax Nuur, Cali-Dhuux, Cabdi Xirsi, Qamaan Bulxan, Aadan-Gurey, Salaan Carrabey, Ismaaciil Mire, Maxamad Aadan-Caws, Cali Xuseen, Cali Afyare iyo tobannaankii la ayniga ah ee, innaga Soomaalida ahi, aynu ku dhaadanno!

* * *

Intaan, haddaba, ararta halkaas ku hojiyo maan kolka hoos u daaddego oo danta maan u dhaadhaco. Waa sidaaase, sannadihii ugu dambeeyey ayaan waxa aan kansho u helay inaan dhegeysto qalabka warfaafinta ee af-Soomaaliga wax ku baahiya iyo inaan akhristo qaar ka mid ah wargeysyada gudaha dalka iyo dibeddiisaba afkaas lagaga soo saaro. Sidoo kale, waxaa maalin-maalin ii suuraggasha in aan isha mariyo baraha Internetka oo inta mindhaa 4.5 loo qaybsaday uu tol wali oo Soomaaliyeed mid ku yeeshay! Markaas baan kolba weedho sibaaban ku hakadaa. Kolba asaaskii naxwaha afka oo dhaawacan ayaan ka dul-dhaacaa. Kolba erayo si sirgaxan loogu adeeganaayo ayaan duljoogsadaa.

Kolba qaar macnihii ay lahaayeen mid aan ahayn loo xanbaarshey ayaan ku dhaygagaa, lana yaabaa.

Saan qalin iyo xaashi cad baan agagaarkayga ka haabhaabtaa; anigoo maaggan inaan uruuriyo oo aan meel qura ku soo koobo gefaf-afeedka dharaar noolba dhegahayga ku soo dhaca ama ay indhahaygu qabtaan. Mase wax xaashi iyo laba lagu soo koobi karoba ka badan, kana baaxad weyn!

Si kastaba ha ahaatee, kol dambe ayaan waxaan go’aansaday bal qaar gefafkaas ka mid ah inaan dadweynaha u soo bandhigo, isla markaasna warfaafinta maanta jirta aan ku baraarujiyo baahida loo qabo inaynu u fiirsanno hagaagsanaanta erayada afka iyo weedhaha aynu adeegsanayno. Marnaba ku andacoon maayo in aan ku jiro af-Soomaaliga dadka dadka ugu badsha iyo kuwa xiga toona, waxaanse ka mid ahay inta wax ku qorta oo dhadhansiga murtidiisa iyo macaansiga maansadiisa ay naftu ku soo gasho; sababtaas ayaana, malaha, ugu weyn sababihii iigu wacnaa hawshan aan sina fudaydka ugu tilmaannayn inaan gorodda la galo.

A. Erayada

Sidaan, haddaba, meel hore ku soo sheegay, gefafka maalin walba afka ku soo kordhayaa tiro ma laha, waxaana ka mid ah qaamuuska ama erayada oo si silloon loo adeegsado, naxwaha iyo xeerarkiisa oo aan loo meelo-deyin, eraybixin afafka shisheeye inooga timid oo si aan hagaagsanayn loo adeegsado ama, iyada oo aan loo baahnayn, lagu beddalanaayo tii aynu horayba u qaayibney ee waa hore afkeenna ka midka noqotay.

Gefafka naxwaha, kuwa eraybixinta iyo arrimaha kaleba ha ii dambeeyeene, waxaan u horraysiinayaa erayada qaarkood iyo sida qaldan ee warfaafinta Soomaalidu ay waayadan u hirgelisey amaba, indhaheenna oo shan ah, ay eeggaba u hirgelineyso. Markaas ka dibna waxaan ku xijin doonaa inaan sheego macnaha dhabta ah ee ay erayadaasi af-Soomaaliga ku lahaayeen, ka hor kooxaha warfaafinta qaar ka mid ahi intii aanay dhalan-rogin, sidaasna aanay dad badan ku marin-habaabin.

1. Beel: Waxaan maqlaa weriyeyaasha qaarkood oo oranaaya: “Laba beelood ayaa meel hebla shalay dagaal ku dhex-maray.” Maalmo ka dib ayaan haddana maqlaa, iyada oo uu weriyuhu leeyahay: “Laba beelood oo walaalo ah ayaa ku diriray meel hebla,” isaga oo mooggaan u jeeda kuwii maalintii hore dagaallamay lafo ka mid ah!

Dhaqanka reer-miyigeenna markaynu u noqonno, eraygaan ‘beel’ waxa uu tilmaamaa qoysas toban ilaa dhawr iyo toban gaari kara oo, badanaa, laba ama saddex oday kala tirsada ama, haddii si kale loo yiraahdo, abtirsiino aad u dhow wadaaga. Aalaaba, seben hagaagey oo barwaaqo ah ayay beeshu abuurantaa, marmarna dano ka dhexeeya ayay u dersaan sida ‘dugsi-Quraan’ ay wada oogtaan xilli macallin wanaagsan la helay. Waxay kaloo beeshu abuurantaa xilliyada colaadda; markaas oo loo baahan yahay in la iska kaashado u-jilibdhigidda col laga baqaayo oo, wadar ahaan in la isaga celiyo mooyee, aan qoysqoys loogu birdhigi karin. Erayada kale ee erayga ‘beel’ la macnaha ahi waa ‘duddo’ iyo ‘qayro’; in kastoo Soomaalida reer-magaalka ahi aanay midkoodna isticmaalkiisa ku soo dhowaan.

Dhawr-iyo-tobankii sano ee aynu soo dhaafnay, erayga ‘beel’ wuxuu ka mid ahaa kuwa, haddii tiro-koob la sameeyo, ugu badnaan lahaa xagga ku-adeegashada.

Waa eray maalin walba ku soo noqnoqda afka ragga siyaasadda ku xoogsada iyo weriyeyaasha warfaafinta ay Soomaalidu dhegeysato. Mar walbaba inta eraygaas adeegsataaba waxay seejiyaan, asal ahaan, macnihii uu u lahaa, waxayna ugu adeegtaan fikrad ka ballaaran oo aanu buuxin karin. ‘Qabiil hebel’ ama ‘tol hebel’ halkii ay ka oran lahaayeen, waxay oran, ‘beel hebla.’ Kolkaas baan is’iraahdaa: “Waa yaabe, tol dhan ama qabiil idil oo dadka wada sheegtaa ay labaatan oday iyo ka badan isugu tagaani, sidee buu beel ku noqon karaa?”

Tol oo ah, af-Soomaali ahaan, erayga macnahaan ku habbooni wuu sii kala qaybsamaa oo wuxuu u sii kala baxaa lafo iyo jilibbo, beelise ma yeelan karto oo jilib iyo lafba iyada ayaaba ka hoosaysa, kana tiro yar. Hadday sidaas tahayna, suuraggal ma aha tolweynihii oo idil inaynu ‘beel’ ku sheegno, isla markaas lafihii uu u kala baxaayeyna aynu beel ugu yeerno!

Dir iyo Daarood, Hawiye iyo Raxanweyn iyo magacyada kale ee la midka ah, sidee baynu ‘beelo’ ugu sheegi karaynaa, iyaga iyo, sidoo kale, qaybaha ay u sii kala baxaanba? Kolley, sheegsheeggooda iyo wax-ku-qaybsigooda haddii aan la deyn karayn, maxaa diidaaya waxa ay dhabtii yihiin oo ‘qabiil’ ama ‘tol’ ah inaynu ku sheegno, qaybaha ay u sii kala baxaanna aynu jilibbo iyo lafo ku tilmaanno, sidaasna gefkaas dhowaan-soo-galka ah aynu afka uga saxno? Jawaabtu, siday aniga ila tahay, waa waxba. Mase la yeeli?

2. Magac-darid: Waxaan maqlaa weriyeyaasha qaarkood oo oranaaya: “Haddana, waa xubintii aannu ugu magac-darnay sidaas iyo sidaas.” Ama iidheh dhegeysatada loola jeedo, laguna leeyahay: “Xaafad hebla waxaa laga furay makhaayad aad u wanaagsan, taas oo loogu magac-daray Kaah!” Erayga magac-daridduna meelahaas oo kale ma galo, kumana habboona.

Hiddaha Soomaalida waxaa ka mid ah kolka reerka wiil u dhasho in inta xoolaha neef laga qasho goobtaas loogu walqalo oo loogu magac-bixiyo. Badanaa, magac-bixinta inanka waxaa iska leh aabbihiis, in kastoo kolkolka qaarkoodna laga talo-geliyo xigtada kale ee habeenkaas ama maalintaas goobjoogga ah.

Marar badan ayaa waxaa dhacda in loo dooro magaca uu leeyahay ku ka mid ah inanka dhashay adeerradiis, abtiyaashiis amaba labadiisa awoowe mid ahaan. Sidoo kale, waxaa loo bixin jirey magac dheer oo loo yaqaan nin geesi ah ama shiikh ah ama awliyo ah ama si kaleba bulshada dhexdeeda uga tilmaaman amaba, markaas ka hor, uga tilmaannaan jirey. Taasna waxaa laga fishaa wanaag iyo, timaaddada, inuu canuggaasi la anshi noqdo abtiga, adeerka amaba nin-karmeedka kale ee loogu magac-daray.

Iyada oo kooban, macnaha eraygu waa qof dhashay oo loo bixiyey qof kale oo la yaqaani magac uu horay u lahaa.

Tusaale ahaan, nin Cabulqaadir la yiraahdo ayaa waxaa la weyddiin jirey: “Hebelow, maxaa Cabdulqaadir laguugu bixiyey?” Markaas buu ku jawaabi jirey: “Aabbahay baa Dariiqada Qaaddiriyada ahaayoo, wuxuu iigu magac-daray Shiikh Cabdulqaadir Al-Jiilaani.”

Ama haweeneey gabar dhashay ayaa la weyddiin jirey: “Heblaay, maxaad gabadhaada Xaawo ugu bixisay?” Markaas bay oran jirtey: “Waxaan ugu magac-daray, Alla ha u naxariistee, Xaawo-Taako; bal inay qof dalkeeda jecel noqoto.”

Tu kale ayaa la weyddiin jirey: “Heblaay, maxaad adigu inantaada Faadumo ugu bixisay?” Markaas bay iyana oran jirtey: “Waxaan ugu magac-daray Faadumo Rasuul, bal inay diinta ku fiicnaato.”

Sidoo kale, adeegsiga eraygu markuu hagaagsan yahay waa marka aad tiraahdo: “Hoteelkii Jubba ee Xamar waa ku oolli jirey waxaa loogu magac-daray webiga Jubba ee Koofurta Soomaaliya mara, Hoteel Taleexna waxaa loogu magac-daray xaruntii dooxada Nugaaleed ku tiil ee uu lahaa halgamaagii weynaa, Sayid Maxamad Cabdille Xasan.”

Hase ahaatee, weriyeyaasha qaarkood sidaas si aan ahayn ayay magac-daridda ugu adeegtaan. Waxaan maqlaa qaarkood oo oranaaya: “Waxaa heestaan naga soo codsaday hebel iyo hebla, waxayna u dirayaan, uguna hanbalyaynayaan hebel iyo hebla oo meel hebla uu wiil ugu dhashay; kaas oo Liibaan loogu magac-daray!” Waxay u jeedaan inay yiraahdaan: “… kaas oo Liibaan loo bixiyey,” ama loogu walqalay, maxaa yeelay, sida muuqata, ma jirto, haddii ay jirtona nalooma sheegin cid kale oo Liibaan la yiraahdo, inanka yarna loogu magac-daray.

Waxaa iyaduna sidaas oo kale gef u ah, dhowaanna aan idaacadaha qaarkood ka dhegeystey, iyada oo la leeyahay: “Isreebreebka hore ee doorashada madaxtooyada Maraykanka waxaa ugu muhiimsan maalinta loogu magac-daray ‘Super Tuesday’; taas oo sannakaan ku aaddan 5ta Febraayo oo saaddambe ku beegan.” Kaasina, waa hadal aan hadda hagaagsanayn, asii hagaagsanaan lahaa haddii ay meel uun ka jiri lahayd maalin kale oo iyaduna magacaas leh, Maraykankuna ay toodaan ugu magac-dareen.

Magac-dariddu macnaha dhabta ah ee ay leedahay waxaad ka heli karaysaa hees jacayl ah oo ay Soomaalidu aad u taqaan, sheeko dhab ahaan u dhacday darteedna ku soo baxday. Aniguse goobjoog ma ahayne, kuwii ahaa qaarkood ayaa ii warramay oo igu yiri:

Alla ha u naxariistee, hal’abuurkii caanka ahaa ee la oran jirey Maxamad Cali Kaariye ayaa beri waxaa haleelay dareenka jacaylka; kaas oo dhismaha jirkiisa iyo maankiisaba si degdeg ah ugu fiday. Gabadha uu jacaylkeedu wareemay waxaa, Eebbe qaddarey, inay ahaato mid uu magac iyo muuqba u garanaayo oo ay hay’ad qura ka wada xoogsadaan, sidaas darteedna toddobaadka intiisa badan ay, weji ahaan, kulmaan, laabuhu yeelkoode!

Ha yeeshee, la-kulankaasi fannaanka waxba uma lilleyn jirin oo ololka dabka kalgacalka kama uu qaboojin jirin. Maxaa yeelay, wax ugu wacnaaba, gabadhu iyada oo og qalbiga Maxamad Cali inuu xaggeeda soo jiro ayay haddana ismoogeysiisaa. Iyada oo og inay iyadu maankii ka xadday ayay haddana ka sii jeensataa. Inna uma baxdo, uma jilicdo, umana jixinjixdo. Fannaankuna, in kastoo maalmihii dambe inuu is’illowsiiyo uu ku dedaali jirey, haddana ma samro oo inay u gacan-haadiso kama quusto!

Beri dambe, isaga oo aqal gudihiis rag dhawr ah kula caweynaaya, qudhiisuna uu markaas sheekada wado ayaa si lamafilaan ah waxaa dhegihiisa ugu soo dhacay gabdhaha xaafadda middood oo tu kale u yeeraysa. Waxay ugu yeertay isla magacii ay lahayd inantii uu isagu jeclaa ee, markuu hanan waayey, inuu is-halmaansiiyo uu ku tashaday. ‘Heblaay!’ markay tiri ayuu qarracmi gaarey.

Tummaati aanu aqoon meel ay uga timid ayuu dhinacyada oogadiisa ka dareemay. Markaas baa miyirkiiba ugu dambaysey. Wuxuu kala garan waayey magaca uu maqlay in isaga loola jeedo iyo in kale. Kolkaas buu fadhigii halhaleel uga kacay, isaga oo aan dan iyo daarad ka gelin raggii uu haasaawinaayey iyo sheekadii uu u wadey toona. Dheg la qabto isaga oo aan lahayn ayuu qolkii dibedda uga boodey.

Waxba isaga oo ay u kala caddaan la’ yihiin, irriddana liqdaaran ayuu nabarkii labaadna ku dhacay. Wuxuu maqlay gabadhii loo yeeray oo tii u yeedhay ku leh: ‘Hee, hebla!’ Mase codku waa codkeedii oo aan car isku rogin! Waa tii uu jeclaa ee u soo loodsami weydey codkeedii! Suu waa isdabammaray oo sarejoogga ka dhici gaarey. Markaas buu afarta garjaho indhaha midba mar u diray. Wuxuu isleeyahay: “Qofka loo yeeray ee aad codkeeda maqashay tu kale ma ahee, waa iyadii oo galabta ku soo raadisey oo intay, malaha, kaa naxday goosatay inay sida kuu dhaanto!” Mar kale ayuu afarta garjaho indhaha u kala diray. Jaanqaad meel dhow ah ayuu dareemay, kolkaas buu dhanka midige ku xasilay. Mase waa gabar; gabadhii magaceeda iyo codkeeda uu maqlay ee uu agagaarka ka jeedaalinaayey. Hase ahaatee, in kastoo xagga muuqa iyo midabkaba aan tiisii laga aqoon, haddana tiisii ma ahayn! Markaas baa nabarkii saddexaad lagu soo tuuray!

Saddexdaas nabar markay isu raacday ayay laabtii oloshey. Sheeko uu islahaa, ‘way kaa dhammaatay’ ayay maankiisa ku soo celiyeen. Sidii wax la arooriyey ayuu u ekaaday. Raggii iyo aqalkii dib uguma laabane, horay buu isaga dhaqaaqay, isaga oo ay murugo buuxisey. Waa hal’abuurkii weynaaye, hees buu halkii ka bilaabay; heesta sidiisa caanka u noqotay ee Xasan Aadan uu qaado. Waa heesta uu ku bilaabay:

Kuwa loogu magac-daraye
Muuqa aan la kala garan
Caku mohashadoodee
Heesaha macaan iyo
Muusiggiyo codkay diley!

Dhegaha aan ka maalee
Markii aan illaawoba
Wax i soo mir-kiciyoon
Maqlo waayi maayee;

Ma hayoo, mana sugaayoo
Iimana maqnee;
Maareeyoo sidee buu cishqigu
Maskaxdiyo qalbiga
Uga miirmayaa!

Erayga ‘magac-dariddu’ marka uu hagaagsan yahay waa tabtaas uu fannaanku heesta ku bilaabay. Sidaas darteed, waxaa habboon inaynu kala baranno magacbixinta iyo magacdaridda, dabadeedna innaga oo kala naqaan aynu eray walba halka uu ku habboon yahay u adeegsanno.

3. Afhayeen: Waxaan maqlaa weriyeyaasha qaarkood oo oranaaya: “Afhayeen u hadlay dawlad hebla ama wasaarad hebla ayaa meel hebla arrinta caynkaas iyo caynkaas ah ka sheegay.” Taasina waa gef xagga afka ah oo bulshada dhexdeeda siduu ugu shaacay markaan u fiirsanno ay adag tahay inaynu iska saxno!

Yeelkeede, taariikhda afka markaynu dib ugu noqonno, maxay Soomaalidu eraygaan u tiqiin? Waxay u tiqiin ninkooda afafka qalaad wax ka yaqaan oo isaga af-celin jirey iyaga iyo shisheeyihii dalkeeda gumeysan jirey ama ganacsiga ku soo gaari jirey amaba doolka ku imaan jirey. Wuxuu la mid yahay erayada afceliye, afnaqe iyo turjubaan oo isagu ah eray Carabiga kasoo jeeda, Soomaaliduna ay sida uu yahay ugu adeegsato.

Inuu macnahaas lahaana waxaa laga heli karaa meerisyada maansadeennii hore qaarkeed. Dhammaadkii qarnigii 19d ama bilowga kii 20d ayaa laba qolo oo Soomaali ahi waxay ku heshiiyeen inay isgaashaanbuursadaan oo col iyo abaarba ay iska kaashadaan; iyaga oo, sida la yiri, u dan lahaa qolo kale oo labaduba ay cadowgooda u arkayeen. Sida aynu hadda wax yeelno, heshiiskaasi markii uu dhacay inta qodobbadiisa xaashiyo lagu qoray laguma kala saxiixan, odayadii goobta isugu yimid oo idilina suulka ma ay saarin. Waxaase loo daayey oo laba geeraar labadoodii qolo ugu kala saxiixay laba nin oo aad u gabyi ogaa, labadaas qolo ergadoodana ku kala jirey, waa Faarax Nuur iyo Maxamad Bulxan oo Maxamad-Cawar loo yiqiine. Waxaa ku horreeyey Faarax Nuur oo goobtii ka tiriyey geeraar gole-ka-fuul ah oo 16 qodob ah; waa geeraarka gadaalkii Axdi loo bixiyey; kaas oo uu ku faahfaahiyey, maalintaas ka dib, xiriirka labada qolo sida loo baahan yahay inuu ahaado. Markaas buu Maxamad Bulxanna isla markiiba wuxuu kaga jawaabey geeraar isna gole-ka-fuul ah oo 16 qodob ka kooban; geeraar kii Faarax la xaraf ah, uuna ku oggolaanayo codsi iyo talooyin wixii uu Faarax iyaga u soo jeediyey.

Si kastaba ha ahaatee, qodobbadii Faarax Nuur ayaa waxaa ku jirey mid uu qolada Maxamad-Cawar kaga codsanaayey inay ka kaalmeeyaan dhinaca afhayeennada Maamulkii Ingiriiska oo qoladiisu aanay waxba ku lahayn, qolada Maxamadse ay ku tiro badnaayeen. Had iyo jeerna, Xafiisyada Gumeysiga markii dacwo loo tago, waxaa ku xoog badnaan jirey oo ay gartu u go’i jirtey kolba ninkii ama dhinacii afhayeenka laaluusha amaba, xigaalo ay yihiin awgeed, uu ugu eexdo. Qodobkaas isaga ah wuxuu Faarax Nuur ku yiri:

Ninka gaalka ag-joogee
Afhayeen la yidhaaho
Ninkaan wiil ka ilaashiyo
Ilma-adeer ku lahayn
Waa la iibsanayaaye
Haddaydaan naga eegin
Adinkaa axdigii iyo
Aamminikiiba furaaya!

Maanta oo la joogo, macnahaas ay Soomaalidu u tiqiin eraygaas waa lumiyey ama waa la gefsiiyey, waxayna warbaahintu siisay macne kale oo hor leh, dadka intiisa badanna loo baray. Waxaa hadda erayga afhayeen lagu magacaabaa kolba qofka loo igmado inuu ku hadlo magaca dawlad, hay’ad ama urur uu ka tirsan yahay; isla qofkaas oo af-Ingiriiskana loo yaqaan spokesman ama spokesperson. Aniga oo og in la iga yeeli doonaa in aysan fududayn ayaan haddana waxaan is’iraahdaa: Erayga afhayeen inta aynu u deyno macnihii uu horay u lahaa, maxaa, afkeennu waaba hodone, inoo diidaaya inaynu niraahno: “Nin u hadlay dawladda Ingiriiska ayaa maanta ku dhawaaqay xeer cusub oo argaggixisada lagula dagaallamaayo.” Ama in aynu niraahno: “U-hadlaha xukuumadda Ruushanka ayaa ku dhawaaqay in aanay oggolaan doonin faraggelinta reer-Galbeedku ay arrimahooda gudaha ku hayaan.” Bal inta dadka wax u sheegtaa taladaas daymo ha u yeelato.

4. Abwaan: Waxaan maqlaa weriyeyaasha qaarkood oo oranaaya: “Gabaygaas aad maqasheen waxaa inoo marinaayey abwaan hebel-hebel.” Ama mid kale oo oranaaya: “Heestaas waxaa miraheeda tirshey abwaan hebel-hebel.” Waase ku-kakabise, eraygu meelahaas ma galo, kumana habboona.

Abwaan waa eray ay Soomaalidu ku magacawdo ninka aqoonta dheeraadka ah u leh dhaqanka iyo ilbaxa qolada iyo degmada uu u dhashay iyo, sidaas oo kale, qolyaha kale ee la deriska ah. Waa nin si wacan u yaqaan xeerarka iyo axdiyada u dhexeeya tolka uu isagu ku abtirsado iyo kuwa kale ee ay ood-wadaagta yihiin.

Sidaas awgeedna, waa nin aan kolnaba looga maarmin geedka garranka iyo wada-xaajoodka. Guud ahaan, waa nin si ballaaran ugu dhuun-daloola hiddaha iyo taariikhda bulshadiisa, si wanaagsan oo loo jeelona uga sheekayn kara; isaga oo aan buugag ka akhrisan, waxbarasho rasmi ahna aan abwaannimadiisa ku helin.

Qaamuuska af-Soomaaliga ee Yaasiin Cismaan sida ku xusan, erayada la midka ah amaba ugu dhowi waa waayo’arag, waxyaqaan iyo buuni. Macnahaas isaga oo maanka ku haya ayuu guddi-hoosaadkii Guddiga Af-Soomaaliga eraybixinta ugu qaybsanaa wuxuu 1972kii eraygaas u bixiyey buugga weyn ee lagu ururiyo laamaha kasmooyinka kala kaanka ah ee uu aadanuhu gaarey, reer-Galbeedkuna ay ugu yeeraan erayga ah encyclopedia.

Labadaas macne midkoodna maanta Soomaalidu eraygaas uma taqaan, wuxuuna yeeshay macne kale oo ay warbaahintu u hirgelisey, kaas oo ah gabyaa, riwaayad-curiye amaba hal’abuurka heesaha tirsha. Waxaan maqlaa iyada oo la leeyahay: “Abwaanka da’da yar,” markaas baa hoosta iska iraahdaa: “Alla abwaannimo iyo da’yaraani kala fogaa!”

In kastoo ay hal’abuurkiisa u wanaagsan tahay, haddana gabyaaga lagama rabo inuu waayo’arag noqdo ama uu aad u yaqaan taariikhda degaankiisa iyo dadyowga ku nool. Isaga oo da’ yar oo aan guryahooda dhaafin ayuu gabyaa wanaagsan noqon karaa. Isaga oo aan garaad badan lagu kuunyin oo dadkiisa isaga dhex-jira ayuu noqon karaa maansoyahan afkiisa la wada dhawro.

Taariikhda dalkiisa iyo dadyowga la deriska ah isaga oo aan wax badan ka aqoon ayuu hal’abuur wacan ku tilmaannaan karaa.

Haddaba, gabyaannimo waa hibo gaar ah oo abwaannimada ka duwan, in kastoo mararka qaarkood ay suuraggal tahay in laga kor-dhaco qof labada tilmaamoodba isku darsaday oo kol qura abwaan iyo gabyaaba wada ah! Si kastaba ha noqotee, qofka maansada tiriya gabyaa ama geeraarshe ayay Soomaalidu u bixisay, afka ayayna dhaawici kartaa, isaga oo aan ahayn, haddii aynu abwaan ku sheegno.

5. Degaan: Waxaan maqlaa weriyeyaasha qaarkood oo oranaaya: “Bacda lagu adeegtaayi deegaanka ayay u daran tahay.” Ama mid kale oo ku warramaaya: “Wasiirka deegaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in dunidu si wadajir ah ay daryeelka deegaanka isaga xil-saarto.” Ama mid saddexaad oo ku soo wartebinaaya: “Waxaa deegaanka xeebta Ayl lagu haystaa markab dal hebel laga leeyahay oo la soo afduubay.”

Marka hore, erayga ay weriyeyaashu u jeedaani waa degaan ee deegaan ma aha. Waxaa laga soo dhanbashay erayga degid, wuxuuna ku isir yahay degmo iyo degganaan oo ah erayo kale oo lagu tilmaamo meesha ama geyiga lagu nool yahay. Wuxuu ku jiraa qaar tiro badan oo intii la qoray uu adeegsigoodu af-Soomaaliga ku soo batay, iyaga oo, si kutalaggal ah, macne cusub loogu xanbaariyey.

Waxaa loo bixiyey, wadar ahaan, waxyaalaha nolosha dadka lamahuraanka u ah ee, mar walba, in la ilaaliyo la isku tirtirsiiyo sida dhulka aynu ku dul-dhaqan nahay; hadday tahay baddiisa ama birrigiisa ama hawadiisa ama noolaha kale ee biyihiisa iyo bannaankiisaba aadanaha ku weheliya. Sidaas marka uu eraygu u qoran yahay oo shaqalkiisa hore (e) uu gaaban yahay ayuu macnahaas qaadi karaa, una dhigmi karaa erayga qalaad ee la feer-dhigay, waa erayga ah environment.

Ha yeeshee, waxa aan jirini waa erayga deegaan (-ka) oo isaga oo lab ay haatan laamaha warfaafintu ay macnahaas ugu adeegtaan, aadna mooddo inuu dadweynuhuna kaga dayday, sidaasna, indhahayaga oo shan ah, uu ku hirgelaayo.

Dhanka kale, waxaa jira erayga deegaan (-ta) oo ah magac dheddig, lehna laba shaqal oo dheerdheer. Waa eray ay Soomaalidu u taqaan dhirta faraha badan ee ka baxda dhulka sida wacan uu roobku ugu da’o, sida aadka ahna u doogta.

Eraygaas dambe iyo macnaha uu xanbaarsan yahay ayuu u jeedey gabyaagii reer-Hawdeedka ahaa ee la oran jirey Cabdillaahi Muuse, kolkii uu gabayadiisa midkood ku darsaday:

Deegaan sideed kaaga dhereg doobka reeruhuye
Dar kaloo haween lihi wax badan kaa dukaansade e!

Sidaas darteed, erayga degaan oo ah magac lab, shaqalkiisa horena gaaban yahay ayaa jiree, deegaan (-ka) oo magac lab ah, labadiisa shaqalbana dheerdheer yihiini ma aha eray sax ah, kumana habboona fikradda aynu rabno inuu inoo xanbaaro. Waxaase jira erayga deegaan (-ta) oo ah magac dheddig, markii qodob-dheddigeedka la raaciyona noqonaaya: deegaanta, waxaana loo baahan yahay in sidaas loo kala qeexo, dhigid iyo dhihid labadaba.

6. Baaq: Waxaan maqlaa weriyeyaasha qaarkood oo oranaaya: “Hadal uu shalay meel fagaare ah ka jeediyey, waxa hebel oo madax ahi uu dadweynaha ugu baaqay inay nabadda ilaaliyaan.” Ama mid kale oo ku warramaaya: “Wasiirku wuxuu beerreyda gobol hebel ugu baaqay in xilliga soo aaddan ay waxsoosaarkooda kordhiyaan.” Waase ku-kakabise, baaqu halkaas oo kale kuma habboona, mana galo.

Baaq waxa uu af-Soomaaliga ku yahay eray ama erayo ama dhaqdhaqaaq wax la isku dareensiiyo oo dad is’ogi ay, si dadban, wax isugu sheegaan. Oorida iyo saygeeda ayaa baaq wax isugu sheegi kara, iyada oo martida u joogtaayi aanay dareemin. Hooyada ayaa carruurteeda qaarkood wax ku ogeysiisa baaq ay isla og yihiin. Barbaarka iyo gashaantida isxodxodta ayaa waxay ku heshiiyaan baaq ay farriimaha gaaggaaban isugu gudbiyaan, dadka kalese, in kastoo ay iyaga meel la joogaan, aanu waxba ka ogaan karin.

Colka Soomaalidii reer-miyiga ahayd kolka uu duulaayo waxa uu samaysan jirey baaq ay isku og yihiin oo, inta aan la dhaqaaqin, ay wada qaybi jireen, kaas oo markii ay habeen noqoto oo la isdhex-galo lagu baajin jirey, rag isku jaal ah oo aan isgaranayni inay isdilaan; kamma’ ahaan.

Bal aan tusaaleeyee, niman duullaan ah ayaa waxay ku soo dhowaanayaan reerihii ay geli lahaayeen. Aqalladoodii iyo xoolahoodii kolkay u muuqdaan ayuu ammaanduuluhu colka hojinayaa, si uu ugu yeelo baaq ay, hadhow, isku afgartaan.

Ugu dambaysta ayay ku ballamayaan baaq ka kooban labada eray ee kala ah Yaasiin iyo Tabaarak, kuwaas oo laba iyaga ka mid ahi markii ay kala shakido ay isweydaarsan doonaan, sidaasna ay isku garan doonaan, kuna kala bedbaadi doonaan.

Iyada oo mugdi ah oo dagaaalkiina weli socdo ama intuu dhammaaday qolo la baqe-eryaayo ayay laba iska hor-imaanaysaa, ku walibana hubkiisii oo u diyaar ah ayuu gacanta ku haystaa. Ha yeeshee, in kastoo ninba uu midka kale dhab uga digtoon yahay, haddana labada midina ma rabo ina’adeerkiis la soo duuley ama jaallihiis inuu, si kamma’ ah, ku dilo. Kolkaas buu midkood la soo boodaa: “Yaasiin!” Midka kalena, haddii uu la qolo yahay, intuu baaqa qaybtiisii kale xusuusto ayuu oranayaa: “Tabaarak!” Markaas ayay israacaan oo halka colkoodii jiro ay wadajir u beegaan. Haddiise uu jawaabta saxda ah garan waayo, kii hore waxaa u caddaanaysa ninka hor-taagani inuu ka mid yahay cadowgii ay xiirexiiraha ahaayeen, markaas oo uu waranka kala hormari jirey ama, haddii laga gacan fudud yahay, isaga lagala hormari jirey.

Sida uu yahay waxa eraygaas u adeegsan jirey Xooggii Dalka Soomaaliyeed oo lahaa ciidan gaar ah, lana oran jirey Baaqa Qarsoon, in kastoo aan loo baahnayn erayga ‘qarsoon’, haddiiba baaq la soo qaaday. Waxa uu Xooggu eraygaas ula jeedey waxa reer-Galbeedku ay code-ka ugu yeeraan ee ay ciidammadu dhanbaallada isugu gudbiyaan, iyaga oo adeegsanaaya xarfo iyo astaamo ay mar hore, si gaar ah, ugu heshiiyeen.

Maanta, badanaa dhallinyarada warfaafinta wax ka tebisaa erayga baaq uma adeegsadaan macnahaas aan soo sheegnay ee uu afkeenna ku leeyahay. Waxaa la maqlaa war-tebiye meel ka soo warramaaya oo leh: “Meel hebla shir lagu qabtay waxaa ka soo qayb-galay hebel oo madax ah, wuxuuna dadkii goobtaas isugu yimid ugu baaqay inay iskaashdaan!” Alla haka cafiyee, sida inoo wada muuqata, meeshaan baaq kuma jiro, maxaa yeelay ma jiraan wax la qarinaayey oo ka dhexeeya amaba ay si gaar ah isugu ogaayeen ninka madaxda ah iyo dadkii shirka ka soo qayb-galay ee uu la hadlaayey. Waxaa war-tebiyaha ku habboonayd inuu yiraahdo: “Dadkii uu la hadlaayey waxa uu hebel kula taliyey ama uu ku guubaabiyey ama uu ku baraarujiyey ama uu ku tirtirsiiyey inay iskaashadaan.”

7. Tibaax: Waxaan maqlaa weriyeyaasha qaarkood oo oranaaya: “Madaxweyne hebel ama Ra’iisulwasaare hebel oo la hadlaayey Golaha Wasaaradda ayaa tibaaxay inay dardar-geliyaan hawlaha u yaal.” Ama mid kale oo oranaaya: “Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey waxa uu tibaaxay in dunidu si wadajir ah ay wax uga qabato kulaylka cimilada oo maalinba maalinta ka dambaysa ka soo daraya.” Maxay, haddaba, tibaaxi tahay?

Waa eray lagu tilmaamo war la maqlay ama la sheegay, hase ahaatee aan cid hubtaayi jirin. Malahaygana, erayga ugu dhowi waa male. Waxaad oran kartaa: “Waxaan tibaax ku helay lacagtii aan waayey inuu hebel hayo, hebelna uu la og yahay.” Waa war aad maqashay, hase ahaatee aan ahayn mid sugan oo, adiga oo cuskanaaya, aad xoolahaagii ku doonan karayso, hebelna aad ugu sheegan karayso.

Tusaale ahaan, laba nin oo reer-miyi ah, meelna wada dega ayaa midkood wuxuu kan kale weyddiin jirey bal inuu helay tulud geel ah oo uu ogaa inay ka maqnayd, kan lihina uu ceel iyo carshinba ka baadiggoobi jirey. Markaas buu ku jawaabi jirey: “Weli gacantayda wax kuma jiraan, tibaax baanse helay.”

Waxaa la oran karaa: “Wasiirka Maaliyadda ee dal hebel wuxuu sheegay in warbixinnada uu helayaa ay tibaaxayaan in sicirka saliiddu uu aad u kordhi doono haddii Iiraan la weeraro.” Weedhaas waxaa laga garanayaa in warbixinnada Wasiirka la soo gaarsiiyey ay cuskan yihiin warar aan markaas sugnayn oo runtooda la gaari doono markii Iiraan la weeraro oo keliya, waana macnaha dhabta ah ee uu eraygu leeyahay.

8. Booqasho: Waxaan maqlaa weriyeyaasha qaarkood oo oranaaya: “Guddoomiyaha baarlamaanka Iiraan ayaa maanta booqasho ku tegey dalka Masar.” Maalin kalena waxaan maqlay ku kale oo ku warramaaya: “Koox isugu jirta ururrada aan dawliga ahayn oo samafalka ka shaqeeya ayaa saaka waxay tagtay Ceelasha Biyaha; halkaas oo ay kooxdu ku booqatay kumaankun qof oo ka soo qaxay dagaallada Xamar ka socda.”

Erayga booqasho sidaas iyo siyaalo la too* ah ayay haatan warfaafintu u adeegsataa, wuxuuna u eg yahay wax sidaas ku hirgalay. Hase ahaatee, waa adeegsi ay wax si ka yihiin. Waa adeegsi aan waafaqsanayn macnihii hore ee uu eraygu lahaa.

In kastoo ay dad yari xusuusan yihiin, haddana erayga booqasho wuxuu af-Soomaaliga ku yahay socod gaaban oo loogu tago qof xanuunsan; kaas oo xigto, wadey iyo aqoonniba noqon kara.

Waa eray waayo hore aynu marin-habaabinney oo macnihiisii asalka ahaa laga afduubay. Anse ilaa hadda ma qaayibin, markii aan maqlana waxaa maankayga ku soo dhaca bugto iyo qof bushi la il-daran oo la kor-dhooban yahay, dadkii soo booqdayna ay u ducaynayaan. Runtii, weli waan yaabaa marka aan idaacadaha ka maqlo iyada oo la leeyahay: “Madaxweyne hebel wuxuu booqasho ku tegey dal hebel,” sidii iyada oo uu dalkaasi jirran yahay, dadkiisuna ay isbitaallada ku wada jiraan!

Waxaase jirta hees uu eraygu sida hagaagsan ugu jiro oo Basra uu magaceedu ahaa. Mireheeda waxaa iska lahaa hal’abuurka la yiraahdo Cabdulqaadir Xuseen oo Fuushane lagu naanayso, waxaana qaadi jirey heesaaga caanka ah, Xasan Diiriye. Meeriskeeda koowaad ayaa wuxuu ahaa:

Berigii baa
Caashaqan baas
La igu beeree;
Baahaan qabaayoo
Waan kuu basaasee
Hadmaad i baanan?
Basraay Basraay
Barashadaadii
Buur dheer i saartoo
Bugtaan ka qaadee;
Aan bogsadee i baano
Hay baal-marine i booqo.

Maxaa, kolka, inoo diidaaya inaynu niraahno: “Madaxweyne hebel wuxuu dal hebel ku tegey sodcaal rasmi ah?” Ama haddii aanay sababtu shaqo ahayn inaynu niraahno: “Wuxuu hebel dal hebel ku tegey dalxiis iyo daanshadaanshood.” Ama haddii aanu sodcaalku hawl iyo dalxiis toona ahayn inaynu niraahno: “Qaraabo-salaan ayuu hebel meel hebla ku gaarey?”

Malahayga, jawaabtu waa waxba, waxaanse shaki ka qabaa warfaafinta Soomaalidu inay eraygaan booqasho u soo celin doonto macnihiisii uu, asal ahaan, u lahaa oo da’dii hore ee afka ina dhaxalsiisay ay u tiqiin.

9. Boqoole: Waxaan maqlaa weriyeyaasha qaarkood oo oranaaya: “Hebel oo wafti ballaaran hoggaaminaaya ayaa shalay goor hore wuxuu u boqoolay gobol hebel.” Waxaase igala darraa weriye kale oo aan maqlay isaga oo ku warramaaya: “Madaxweyne hebel ayaa xalay fiidkii dal hebel u boqoolay!”

Markaas baan dib u xusuustaa macnihii koobnaa ee, asal ahaan, erayga boqoole uu afkeenna ku lahaa.

Wuxuu eraygani ka mid yahay dhawr kale oo, macne ahaan, la deris ah, Soomaaliduna ay ku kala tilmaanto xilliyada sodcaalka. Waa erayo aynu ku garan karno qof hebel goortii uu sodcaalay iyo, halkii uu ku sugnaa, ammintii uu ka dhaqaaqay: Ma aroor bay ahayd? Ma waxay ahayd harsimo iyo wiirawiire? Ma galab bay ahayd? Mase habeen dumey bay ahayd? Waxaa erayadaas ka mid ah: jarmaado, kallaho, boqoole, dhalandhool, wirwir, carraabo, guure (guurid), gudoodi iyo malaha qaar kale oo haatan maankayga ka maqan.

Haddii uu qofku aroor hore dhaqaaqay waxaa la yiraahdaa: “Hebel wuu jarmaaday ama wuu kallahay.” Barqo-har-raac ama harsimadii haddii uu anbabbaxayna waxaa la yiraahdaa: “Hebel wuu boqoolay ama wuu dhalandhoolay ama wuu wirwiray.” Haddii uu galab dhoofayna waxaa la yiraahdaa: “Hebel wuu carraabay ama wuu galbaday.” Haddii goor habeen ah uu waddada cagta saarayna waxaa la yiraahdaa: “Hebel wuu dheelmaday ama wuu guureeyey ama wuu guuray ama wuu gudey.”

Erayadaas mid qura ayaa laga maqlaa wartebiyeyaasha warfaafinta af-Soomaaliga ku hadasha; kaas oo ah ‘boqoole’ oo ay u adeegsadaan xilliyada sodcaalka oo idil. Iyada oo laga yaabo goor galab ah inuu sodcaalay ayaa qaar ka mid ah weriyeyaashu waxay ku warramaan: “Madaxweyne hebel ayaa shalay dal hebel u boqoolay…” waana gef aan sabab lahayn. Maxaa, kolka, inoo diidaaya, haddiiba aynu naqaan goortii uu ninkaas madaxda ahi sodcaalay inaynu adeegsanno kolba erayga ku habboon oo goortaasi ay afkeenna hodonka ah ku leedahay? Waxay ila tahay waa waxba.

10. Qoomiyad: Waxaan maqlaa weriyeyaasha qaarkood oo ku warramaaya: “Nin u hadlay ururka magaciisu sidaas iyo sidaas yahay ayaa maanta waxa uu London ka sheegay in qoomiyadda Benaaddiriga si ulakac ah, iyaga gaar ahaan, loogu dulmay dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka qarxay bilawgii 1991kii.”

Ama mid kale oo oranaaya: “Xildhibaan hebel hebel oo Baydhaba shir-jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay inaan qoomiyadda Digil-iyo-Mirifle ku qanacsanayn dhismaha xukuumadda cusub iyo, qoomiyad ahaan, tirada wasiirrada ee iyaga laga siiyey.” Kolkaas baa waxaan dareemaa macnaha erayga qoomiyad inaan aqoon dhab ah loo lahayn, gaar ahaan kuwii dadka kale iska hor-wadey ee ay ahayd erayada jaadkaas ah inay aad u aqoodaan.

Wuxuu eraygani ka soo jeedaa afka Carabiga (Al-Qawmiyyah), kasmobulshadeedka iyo siyaasadda kolkii loo eegona wuxuu la macne yahay erayga ummad oo isaga qudhiisu Carabiga inaga soo galay. Labaduba waxay muujinayaan dad dhul loo og yahay wada dega oo af iyo dhaqanba wadaaga, taariikh ay soo mareenna ay ka wada dhexayso. Qoomiyado dhawr ah ayaa dal qura ku noolaan kara, marar aan badnaynna mid keliya ayaa ku noolaan karta.

Dalalka ay qoomiyadaha badan ku nool yihiin ee ay Soomaalida deriska yihiin waxaa ka mid ah Itoobiya oo ay wada deggan yihiin Amxaaro, Tigraay, Cafar, Oroomo, iyo kuwo kale. Sidoo kale, qoomiyado kala duwani waxa ay wada deggan yihiin Keenya oo iyadana ay ku wada nool yihiin Kuukaayo, Luwo, Kalanjiin, Masaay, Luuya, Meeruu iyo soddomeeye kale. Intaasna waxay tu waliba gaar ahaanteeda u leedahay dhaqankeeda, afkeeda, wax ay, hidde ahaan, u caabudi jirtey iyo, dhul ahaan, soohdimaho ay isu taqaan, loona yaqaan.

Soomaaliya iyadu waa dalka qura ee Afrika ku yaal, dadkiisuna ay wadaagaan af, diin, dhaqan, isir iyo geyi isku yaal oo aan loo dhexaynin, sidaas darteedna lagu sheegi karo dalalka qaaradda oo idil midka ay qoomiyadda qurihi ku dhaqan tahay. Cilmi ahaan, taasi waa arrin waayo hore laga faraxashay oo aan hadda dood la gelin karin, in kastoo lala wada yaabban yahay ummadda wax walba sidaas u wadaagtaayi sababta ay, siyaasad ahaan, isugu afgaran la’dahay.

Waase yaabe, arrinta sidaas ah, weligeedna aan laba ku murmini waxay u eg tahay warfaafinta af-Soomaaliga ku hadasha qaarkeed in aanay oggolayn! Haddii aanay sidaas ahayn, maxay ku dhacday weriye idaacaddiisa dhanbaal u tebinayaa mar aan fogeyn inuu yiraahdo: “Ammaanxumada waayadan Boosaaso ka jirtaa waxay saamaysay nolosha qoomiyado muddoba Buntlaan wax ka degganaa; kuwaas oo ay ka mid yihiin Koofurta Soomaaliya qaar ka soo jeeda iyo kuwo dalalka deriska ah ka yimid!”

Ma aragtaa haddaba, isaga oo aan u dan lahayn, sida weriyuhu uu Soomaalida Koofurta u fogeeyey, ugana dhigay qoomiyad dadka dhulka Bunt ka duwan? Ma aragtaa sida uu u simay iyaga iyo qoomiyadaha Itoobiya ka yimid, markii loo eego Soomaalida Boosaaso iyo Bari ku nool?

Mar kale, waxay u eg tahay weriyeyaasha qaarkood inay rabaan Soomaalidu inay ka koobnaato qoomiyado kala gaar ah sida derisyadeeda. Haddii aysan sidaas ahayn, maxaynu u maqalnaa qoomiyadda Raxanweynta ama qoomiyadda Banaadiriga, iyo wax la mida? Mase meesha waxaasiba kuma jiraane, macnaha qoomiyadda ayaan inaga wada dhaadhacsanayn? Malaha taa dambe ayaa roone, iyada u daa.

11. Qalanjo: Waxaan maqlaa hebla qalanjo, iyada oo lagu celcelinaayo oo hablaheenna qaarkood naanays looga dhigaayo ama riwaayad la dhigi doono lagu xayaysiinaayo oo inanta jilaysa magaceeda la inoogu soo bandhigaayo.

Markaas baan yaabaa oo haddana muusoodaa? Waxaan isweyddiiyaa: Qalanjooy, maxaad tahay, erayguse ma yahay mid ku habboon macnaha aynu u xanbaarinnay?

Sida la og yahay, hooballada filimmada iyo riwaayadaha jilaa isku heer ma aha. Way kala waayo’aragsan yihiin, sidaas darteedna way kala kaalin weyn yihiin.

Waxaa jira qaar laba ama saddex jeer oo keliya daawatada soo hor-joogsada iyo kuwo rakada tiyaatarka aan wax badan ka maqnaan. Waa kuwa dambe gudbinta qaybaha waaweyn ee sheekada kuwa lafdhabarta u ahi.

Markiise dhammaantood la isku soo kiciyo waxaa ugu kaalin weyn gabdhaha tu ka mid ah oo soo-saaraha hawl-faneeddu (filin iyo masrax) uu ku doorto quruxdeeda, waayo’aragnimadeeda iyo bandhig-wanaaggeeda. Goleyaasha fanka ee reer-Galbeedka waxaa gabadhaas oo kale looga aqoon jirey prima donna oo la macne ah ‘marwada koowaad’; haatanse waxay ku koolkooliyaan erayada stella ama star oo afkeenna xiddig ku ah.

Innaga Soomaalida ahi si fudud baynu u marin-habownay markaynu isku daynay gabdhaheenna tilmaamahaas leh inaan ula baxno magac kuwaas shisheeye u dhigma. Waxaanse garan la’ahay qofkii erayga qalanjo ina soo hor-dhigay oo haddana ku guuleystey inuu ina oggoleysiiyo, innaga oo aan waxba weyddiin!

Haddaba, sidii aynu ugu dagannay si ay inoogu caddaato, bal erayga macnihiisa aan toyanno. Oo durbadiiba intaan la soo boodo aan iraahdo: Maroodiga lab waxay Soomaalidu ku magacawdaa boor, kiisa dheddigna qalanjo! Waxaa u daliil ah tuduc ku jira gabay uu reer-Muduggu aad u yaqaan oo soddonnadii qarnigii 20d uu tiriyey gabyaagii caanka ahaa ee Ayax Maxamad Dhawre la oran jirey. Waa gabaygii Quursidiid loo bixiyey ee qayb ka mid ah uu ku lahaa:

Qalanjada maroodiga ninkii waayo lagu qaybshey
Oo toban haruuboo qar jaran Eebbe kaga quudshey
Gujadiyo qaniinyada ninkii labadabuu quuray
Oo qaar-dambeedkiyo candhada feerka kaga qaaday
Oo caanuhuu qubay ilmadu qoysey baad noqone!

Runtii, markaan hebla qalanjo maqloba, waxaan is’iraahdaa: “Waaba qalanjo iyo qurux!” Waxaan isweyddiiyaa: “Ama boor ha ahaado ama qalanjo ha ahaatee, bilic lagu cawryo miyuu maroodi leeyahay? Ma wax inta heeso lagu tiriyo gabar lagu ammaani karaa? Ma wax inan dhaban leh lagu maakubi karaa?” Weli waxaan ka yaabbanahay ciddii hor iyo horraanba inoo soo jeedisey iyo fudaydkii aynu kaga oggolaannay, erayguna uu ku hirgalay!

Sow, kolka, kulama qummana inaynu niraahno Xiddigta Filinka ama Xiddigta Riwaayadda kolka aynu xusayno gabdhaheenna dhabanka leh ee goobaha fankeenna ka hawl-gala.

12. Faro-ku-tiris: Erayga faro-ku-tiris waxa ay Soomaalidu ku tilmaantaa wax ay tiradoodu kooban tahay oo haddii ay ugu bataan toban gaari kara, haddii kalena kaba yar. Waa wax markii la doono in la tiriyo aan la kala illoobi karin oo faraha gacmaha lagu kawkabin karo. Waxaad oran kartaa: “Hebel iyo hebli, in kastoo ay 3 sano isqabeen, haddana inta jeer ee ay meel ku kulmeeni waa faro-ku-tiris.” Ama waxaad oran kartaa: “Dagaalladii Soomaaliya ka dhacay qoys aan dhibaato ka soo gaarini waa faro-ku-tiris.”

Macnaha eraygu isaga oo sidaas ah ayaan maalin aan sii fogeyn waxaan dhegeystey idaacadaha af-Soomaaliga wax ku tebiya middood. Weriyeyaasha midkood ayaa wuxuu ka warramayaa nin geeriyoodey oo u dhashay dalalka Geeska Afrika dal ka tirsan. Isaga oo ku ammaanaya halgankii gobannimada dalkiisa kaalintii weyneyd ee uu ka soo galay ayuu yiri: “Hebel, Alla ha u naxariistee, wuxuu ka mid ahaa dadkii faro-ku-tiriska ahaa ee gobannimada dalkiisa u soo dagaallamay!”

Saa, keligey baan ahaaye, waan muusooday. Haddiibana waxaa igu soo dhacday macnaha erayga ‘faro-ku-tiris’ku in aannu weriyahaas ka dhaadhacsanayn, haddii uu dhab u aqoon lahaana aanu sidaas ugu sirmeen, gefka sidaas u weynna aanu ugu dhaceen. Waxaan la yaabay macnihii uu u dan lahaa sida uu u seegay oo aqoon la’aanta eraygu ay ugu horseedday macne kale oo halis ah, hubaalna ay tahay inaanu ahayn kii uu u jeedey!
Wuxuu u dan lahaa ninka geeriyoodey inuu ku tilmaamo nin-karmeed aad iyo aad uga muuqdey halgankii gobannimada ee dalkiisu uu madaxbannaanida ku taabay. Hase ahaatee, taas kuma uu guuleysan, isla markaasna wuxuu meel uga dhacay ummad-weyntii uu ninkaasi ka baxay, isaga oo ku tilmaamay halgankeedii gobannimada, tiro ahaan, intii ka qayb-gashay inay aad u koobnayd, inay faro-ku-tiris ahayd!

Ma aragtaa sida uu u sinbiriirixday? Ma kuu caddahay, isaga oo aan is’ogeyn, godobta uu qaran idil iyo taariikhdiisa ka galay? Shaki kuma jiro gefka xaddigaas leh in aynu ku dhici karayno marka aynu adeegsanno erayo, dhab ahaan, aynaan u aqoon macnaha ay xanbaarsan yihiin. Kolka, waxaa habboon qalabka warfaafinta markaynu hadal ku dawinayno amaba aynu wax ku qorayno inaynu adeegsanno erayada kuwooda aynu dulucdooda naqaan oo keliya, inta kalena aynaan isku shiddayn.

13. Dawlad iyo xukuumad: Waxaan maqlay weriyeyaasha midkood oo oranaaya: “Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa wuxuu waxqabad la’aan iyo fadhiidnimo ku eedeeyey dawladda Nuuri Al-Maaliki ee dalka Ciraaq.” Maalin kale ayaan haddana waxaan maqlay mid kale oo oranaaya: “Shalay ayaa waxaa Baydhaba shirkii ugu horreeyey ku yeeshay dawladda ra’iisul-wasaare Nuur-Cadde uu dhowaanta soo dhisay.” Labadan eray ee ‘dawlad’ iyo ‘xukuumad’ waxay ka mid yihiin erayada ay weriyeyaashu isku beddashaan ee, marar badan, ay isku sida ugu adeegtaan kolka ay wararka iyo warbixinnada tebinayaan; taas oo aan sax ahayn. Labaduba waxay ka soo jeedaan afka Carabiga, Guddiga Af-Soomaaliguna wuxuu sannadkii 1973kii go’aamiyey in iyaga la qaato marba, hidde ahaan, waxa ay tilmaamayaani haddii aysan ahayn hay’ado iyo fikrado ay bulshadeennu tiqiin oo ay magacna u lahayd.

Dawlad oo marmarka qaarkood la garab-dhigo erayga qaran waxaa la adeegsadaa marka state loo jeedo. Waa eray gudo weyn oo loo wada xanbaariyo laamaha saddexda ah ee maamulka qarammada casriga ahi uu u qaybsamo, kuwaas oo kala ah: Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka.

Erayga xukuumad oo u dhigma government, isagu intaas wuu ka kooban yahay, si gaar ahna wuxuu u tilmaamayaa Laanta Fulinta ee dawladda. Haddii si kale loo yiraahdo, xukuumaddu waxay ka koobantaa wasiirka koowaad (Ra’iisulwasaare), wasiirrada uu maamulkiisa u magacawdo, wasaaradaha kala duwan iyo hawlwadeennada hay’adaha kale ee Adeegga Rayadka ah loo yaqaan (Civil Service).

Sidaas darteed, waa gef in la yiraahdo dawladda Cali Geeddi; iyada oo loo jeedo xukuumaddiisa. Gef kaa ka sii weynse waxaa ah in la yiraahdo, ‘dawladda kumeel-gaarka ah’; iyada oo loo dan leeyahay ‘xukuumadda ku-meel-gaarka ah.’

Waxaan is’iraahdaa: “Xukuumad waaba la gartay oo way dhalataa, wayna dhacdaaye, bal xaggee lagu arkay dawlad ku-meel-gaar ah?” Jawaabtu waa meelna, waase haddii – Eebbe ka magane – aanay Dawladda Soomaaliyeed ku caddaan doonin dunida tii ugu horraysey oo ku-meel-gaar noqota!

14. Dawli iyo Caalami: Waxaa beryahaan laga hadlaayey heshiiskii 28kii Febraayo ee dhowaanta la dhex-dhigay xisbiyada dalka Keenya ee lagu kala magacaabo Bii.En.Yuu (PNU) iyo Oo.Dhii.Em (ODM), kuwaas oo ku eedoobey doorashadii Madaxtooyada ee dabayaaqadii sannadkii hore la qabtay. Maalmahaas bay ahayd markii aan maqlay wartebiye ku warramaaya: “Haddii uu heshiiskani hirgalo, waxaa hubaal ah inuu isbeddalaayo hannaanka dawliga ah ee ay Keenya ku soo socotey 40kii sano ee ugu dambeeyey.” Mar kalena waxaan maqlay weriye arrimaha Soomaaliya ka faalloonaya oo leh: “Dagaalkii sokeeye ee muddada dhawr-iyo-tobanka sano ah dalka ka socdey wuxuu baabbi’iyey dhammaan hay’adihii dawliga ahaa ee ay ummadda Soomaalidu lahayd.”

Ujeeddo ahaan, labada hadalba waa run oo muran kama taagna, waxaase gef ah erayga ‘dawli’ sida ay labada weriye ugu adeegteen, saa hay’ado dawli ah oo Keenya ama Soomaaliya ay leedahay ma jiraane, dal keligiis hay’ado dawli ah lihina ifka kuma abuurra.
Haddaba, dhibtu isaga ayay ka jirtaaye, macnaha erayga ‘dawli’ muxuu yahay?

Sida la garan karo, waxaa laga soo dhanbashay erayga ‘dawlad’, xagga naxwaha kolkii loola bayrona waa tilmaame. Waxaa lagu tilmaamaa dhaqdhaqaaq, urur ama hay’ad, aalaaba, ay dawladaha dunidu si uun ugu wada lug leeyihiin. Toddobaatannadii qarnigii hore markii af-Soomaaliga la qoray ayaynu u qaadannay inaynu ku beddalanno labada eray ee afafka Ingiriiska iyo Talyaaniga ka soo kala jeeda; kuwaas oo kala ah: international iyo internazionale.

Hay’adaha dawliga ahi way badan yihiin, waxaana, malahayga, ugu caansan Qarammada Midoobey midda aynu u naqaan ee dawladaha dunida oo idili ay maanta xubnaha ka wada yihiin. Axdiga asaaskeeda sida ku xusan, waa hay’ad loo abuuray in lagu ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida dunida, waxaana wada dhisay qarammadii waayadaas gobta ahaa, ka dib markii Dagaalkii Labaad ee Adduunka laga soo doogey. Taas ka sokow, waxaa jira hay’ado dawli ah oo samafalka aadaminnimo oo keliya isku hawla, kolba meeshii macluul, cudur, dagaal ama dhibaato kale laga sheegona u guntada, gargaarna ula degdega.

Waxaa ka mid ah hay’adaha lagu kala magacaabo: Caritas, Save the Children, Oxfam, Care International, Medecenes Sans Frontiers iyo qaar kale oo daafaha dunida danleyda Adduunka Saddexaad ugu samo-fala. Waxaa iyaguna jira hay’ado dawli ah oo ku shuqul leh dhawrista Xuquuqda Aadanaha; kuwaas oo ay waayadaan ugu magac dheer yihiin Amnesty International iyo Human Rights Watch.

Sidaas darteed, doorashadii Keenya qalalaasihii ka dhashay waxa uu wax u dhibay waa waxqabadkii hay’adihii dawladda Keenyee, ma aha hay’adihii dawliga ahaa ee Keenya. Sidoo kale, dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya waxa ku baabba’ay waa hay’adihiisii dawladeede, ma aha hay’adihiisii dawliga ahaa!

15. Caalami: Erayga dawli waxaa la mid ah erayga caalami oo isaguna xagga Carabiga inaga soo galay, toddobaatannadii qarnigii horena afkeenna si rasmi ah loogu soo biiriyey. Waa eray aynu ku tilmaami karayno oo keliya waxyaalaha ‘dawliga’ lagu sheegi karo sida hay’adaha iyo ururrada ay hawlahoodu dunida inteeda badan ku wada baahsan yihiin. Hase ahaatee, marar badan ayaan maqlaa iyada oo siyaalo aan hagaagsanayn loo adeegsanaayo. Tusaale ahaan, mar baa waxaa dhegahayga ku soo dhacday iidheh idaacad Ef.Em (FM) ah laga baahinaayo oo lagu leeyahay: “Xaafad hebla waxaa laga furay makhaayad caalami ah oo magaceedu sidaas iyo sidaas yahay; taas oo aad ka heli karayso cunno kasta oo ay naftaadu jeclaato iyo shaqaale kuu jajaban intaba.”

Marka uu weriyuhu sidaas leeyahayna waxaa suuraggal ah, xaafaddaas ha joogtee, in aanay makhaayaddaasi ifkaba meel kale kaga ool! Sidaasina waa gef, maxaa yeelay erayga caalami ma xanbaarsana macnihii uu weriyuhu u dan lahaa. Malahayga, wuxuu rabey intuu makhaayadda ammaano inuu yiraahdo: “Waa makhaayad wacan” ama “Waa makhaayad wanaagsan”, markaas buu adeegsadey erayga caalami oo meeshaani aanay meeshiisii ahayn.

Inta aan ogahay, makhaayad caalami ahi ma jirtee, waxaa jira hoteello caalami ah. Waa hoteello qaaradaha oo idil ku yaal, waxaana laga wada heli karaa magaalooyinka waaweyn ee dunida kuwa ugu magaca dheer. Meel kastaba ha ku yaalliine, waxay weligood leeyihiin magac iyo astaan qura, waxaana, aalaaba, iska leh shirkad qura ama qoys keliya. Xagga dhismaha, waa isku hab, midabkuna waa isku mid. Meel la joogoba, muuqaalkooda kore iyo midkooda guduhu ma kala duwana. Cunnada kolba ay martidooda siiyaan iyo sida ay ugu adeegaanna lama kala yaqaan.

Badanaa, waa hoteello qaali ah oo aan lagu wada degi karin. Ragga iyo dumarrada tanaadka ah oo keliya ayaa tammadiya oo inta habeenno ku hoyda ku raaxaysta. Hoteelladaas iyaga ah kuwooda ugu magaca dheer waxaa, haddaba, ka mid ah: Hilton, Meridien, Sheraton, Intercontinental iyo qaar kale oo siyaalahaas aan soo sheegay ku wada tilmaaman, sidaasna caalami ku ahaaday.

16. Jaamacad iyo Kulliyad: Galab ayaan waxaan dhegeystey weriye idaacadda uu ka xoogsado Jabbuuti uga soo warramaaya. Wuxuu yiri: “Magaalada Jabbuuti waxaa maanta laga furay jaamacad cilmiga takhtarnimada laga barto.” Marar kale oo badanna waxaan maqlaa iyada oo la isugu warramaayo: “Hebel ama hebli sannad hebel ayay jaamacadda Lafoole ka qalin-jebisey!”

Halkaan waxay dhibaatadu ka taagan tahay erayga jaamacad oo labada jeerba sida loo adeegsadey ay laaxin tahay. Labada jeerba waxa laga hadlayaa waa kulliyade, jaamacad ma aha, waana laba magac oo afka Carabiga ay Soomaalidu ka soo amaahatay. In kastoo labadu ay xiriir dhow leeyihiin, haddana midkood waliba fikrad gaar ah iyo macne gooni ah ayuu xanbaarsan yahay. Maxay, haddaba, jaamacadi tahay, maxayse kulliyadi tahay?

Waxaa jaamacad lagu magacaabaa dugsiyada wax laga barto midka ugu sarreeya ee, ugu dambaystana, markii laga aflaxo laga qaato markhaaticilmiyeed lagu muujiyo ruuxa wataayi in kasmooyinka aadanuhu yaqaan middood uu dhab wax uga bartay. Laamo-cilmiyeed faro badan, isla markaasna kala duwan ayay jaamacad waliba u qaybsantaa, laan walbana kulliyad ayaa lagu magacaabaa.

Tusaale ahaan, Jaamacaddii Ummadda ee Soomaaliya, sida jaamacadaha kale, waxay ka koobnayd kulliyado faro badan oo isugu jira kuwo Kasmooyinka Sayniska lagu baran jirey iyo Kasmooyinka Bulshada kuwo lagu baran jirey.

Qaarkii sayniska lagu baran jirey waxaa ka mid ahaa Kulliyaddii Kiimikada, tii Handasada, tii Daawada, tii Xannaanada Xoolaha, tii Beeraha iyo kuwo kale.

Qaarkii Kasmooyinka Bulshada lagu baran jirey waxaa iyagana laga magacaabi karaa tii Cilmi-Afeedka, tii Warfaafinta iyo tii Barbaarinta ee Lafoole; taas dambe oo ahayd tii ugu horraysey, uguna magaca dheerayd kulliyadihii ay Jaamacaddii Soomaaliya ka koobnayd.

Haddaba, imminka ayay malaha inoo caddahay labada eray sida ay u kala duwan yihiin iyo macnaha uu mid waliba leeyahay. Waxaynu ogaanney waxa dhammaadkii sannadkii hore Jabbuuti laga furay inaysan jaamacad ahayne, ay ahayd kulliyad takhtarnimada laga barto. Sidoo kalena, waxaynu u ogaanney xaruntii Lafoole la baxday ee Kasmada Barbaarinta laga baran jirey, bareyaasha Dugsiyada Sarena ay ka soo qalin-jebin jireeni inay kulliyad ahayde, aysan jaamacad ahayn.

17. Hawl iyo Shaqo: Waxaan maqlay weriyeyaasha qaarkood oo oranaaya: “Hebel oo dal hebel ku maqnaa ayaa maanta ka soo noqday; isaga oo muddo bil ah halkaas hawlo shaqo ugu maqnaa!” Maalin kalena waxaan maqlay wartebiye Xamar ka soo hadlaaya, kana warramaaya hoogga iyo ba’a ay weriyeyaashu Soomaaliya ku qabaan. Markaas buu yiri: “Toddobaadkii aynu soo dhaafnay oo keliya waxaa Xamar lagu diley 3 weriye; iyaga oo hawlahoodii shaqo gudanaaya.”

Laba saddex jeer kolkaan weedhaas maqlay ayaan ogaadey inuu yahay gef hor leh oo dhowaan afka lagu soo kordhiyey; gef , weliba, aad u muuqda oo si fudud loo dareemi karo. Waa gef 20 sano ka hor qofkii ku tiraaba ay bulshadu ku qoonsan lahayd, ha yeeshee faca maanta joogaa aanay isdareensiin, qalabka warfaafintana aan cidi kula yaabin. Halkee baa, haddaba, uu gefku weedha kaga jiraa? Jawaabtu waxay tahay: Wuxuu kaga jiraa israacinta labada eray ee kala ah hawl iyo shaqo, kuwaas oo, iyada oo aan waxba loo dhexaysiinnin, ay labada weriye adeegsadeen.

Sida ay Soomaali badani garan karto, hawl iyo shaqo waa laba eray oo ulajeeddo mid ah wadaaga, midkood walibana uu kan kale ku macne yahay.

Qaamuus ahaan, hawli waa shaqo, shaqona waa hawl. Sidaas awgeedna, mid keliya ayaa kugu filan, haddii aad wax qoraysid ama qalabka warfaafintaba aad wax ka baahinaysid.
Dulucdeedu waxay tahay: Laba magac oo, iyada oo aan wax kale loo dhexaysiinnin, la israaciyaa waxba ujeeddooyinka hadalka kuma kordhiyaan.

Waxay la mid tahay adiga oo yiraahda: ‘Berri ‘Boosaaso Bandar-Qaasin’ ayaan u sodcaali doonaa?’ Ama adiga oo yiraahda: ‘Dad badan ayaa ‘duumo dhaxan’ sannad walba qaaradda Afrika ugu le’da.’ Ama adiga oo yiraahda: ‘Hebel waa nin muran akeekan badan.’ Erayada Boosaaso iyo Bandar-Qaasim waa laba magac oo isla magaalo keliya loogu yeero, haddii aad midkood ku sheegtona midka kale sheegistiisa baahi loo qabaa ma jirto. Duumo iyo dhaxan iyana waa laba magac oo isla cudur qura loo yaqaan, waana cudurka qaniinyada kaneecada qaarkeed laga qaado. Haddii, kolka, aad labada mid ahaan adeegsatana midka kale adeegsigiisu waa hadaltiro. Sidaas oo kale, ‘hebel waa muran badan yahay’ inaad tiraahdo waa hadal la yaqaan, ‘waa akeekan miiran’ inaad tiraahdaana waa wax iyadana la garan karo. Ha yeeshee, waxa aan la garan karin oo innaba aan wax soo kordhinayni waa inaad labada eray israaciso, dabadeedna aad tiraahdo ‘hebel waa nin muran akeekan badan’.

Haddaba, sidaynu soo aragnay, ’hawlo shaqo’ waa laba eray oo israacintooda uu laaxin qurihi ka kordhaayo, waxaana iska cad haddii la israaciyo in aanu midkoodna kan kale macne cusub ku biirinayn oo ujeeddada guud ee hadalkana aanu faahfaahin dheeraad ah inaga siinayn.

Waxaa, kolka, habboonaan lahayd labada magac inta la kala xiriir-furo in midka hore tilmaan la raaciyo, lana yiraahdo: “Hebel oo dal hebel ku maqnaa ayaa maanta ka soo noqday; isaga oo muddo bil ah halkaas hawlo dawladeed ugu maqnaa!”. Ama in la yiraahdo: ‘Toddobaadkii aynu soo dhaafnay oo keliya waxaa Xamar lagu diley 3 weriye; iyaga oo hawlahoodii warfaafineed gudanaaya’. Ama in la yiraahdo: ‘Raggii ay shalay maxkamaddu xukunkooda ku dhawaaqday waxaa ku jirey qaar inta xarig dheer lagu xukumay, haddana shaqo adag loogu daray.’

Maalin kale ayaan haddana waxaan maqlay weriyeyaasha midkood oo leh: “Dawladda Turkigu waxay qiratay inay shalay guluf dagaal ku qaadday waqooyiga dalka Ciraaq; halkaas oo ay ku weerartay dagaalyahannada Xisbiga Kurdiga ee Bii.Key.Key (PKK) lagu magacaabo.” Waxaa weedhaanna ku jira gef la mid ah kii aynu soo aragnay oo ah israacinta laba magac oo aan waxba loo dhexaysiinnin.

Waa israacinta guluf iyo dagaal oo ah laba magac oo mid waliba uu midka kale ka madax-bannaan yahay, in kastoo, qaamuus ahaan, ay isu dhow yihiin. Dagaal waa magac lagu tilmaamo waxa ka dhex-dhaca laba dhinac oo inta si uun wax ugu heshiin waayey faraha isa saara. Waa dirir oo waa islayn. Gulufna waa magac loo yaqaan col tiro yar oo fardooley ah. Sidaas darteed, labada israacintoodu ujeeddada waxba kuma kordhinayso.

Magac magac kale la raaciyaa sida ay laaxin u tahay oo aanay macnaha guud waxba ugu kordhinayn ayay tilmaan tilmaan la raaciyaana laaxin u tahay, iska daa maqlaha ama akhristaha inay garashada ujeeddada wax dheeraad ah uga iftiimisee. Intii muddo ahba waxaa Soomaalida dhexdeeda ka hirgalay oraah qalad ah, ha yeeshee aan cidina dhaagin. Waa oraahda ‘fiican badan’ oo Soomaali aan tiro yarayni ay hadda kaga jawaabto su’aalaha isnabdaadinta iyo iswaraysiga daarran sida: ‘Maxaad sheegtay? Iska warran? Xalay maxaad ku barideen? Carruurtii sidee kuu yihiin? Reerkii maxaad kaga war-qabtaa?’ iyo kuwa kale ee ay isku jaadka yihiin. Halkaanna waxa ay dhibaatadu ka jirtaa waa israacinta labadan eray ee kala ah fiican iyo badan oo ah laba tilmaamood, ha yeeshee aad arkayso si qalad ah in magac iyo tilmaan la isaga dhigaayo.

Sidaan meel hore ku soo sheegay, waa oraah qalad ah oo haddana afkeenna si sibiq ah ku soo gashay. Dad yar ayaa xusuusan taasina inay dhacday 1900 iyo toddobaatannadii qarnigii 20d. Waxaa beryahaas lagu kaftami jirey, oraahdaasna lagu dhaajin jirey niman shisheeye ah oo barashada afkeenna la daalaadhacaayey.

Waxay ahaayeen injineerradii Shiinaha ahaa ee ku hawllanaa dhismaha waddada dheer ee isku xirta gobollada Hiiraan iyo Togdheer.

Dabadeedna, Soomaali badan ayaa ku sirantay oo mooddey ‘fiican badan’ in lagu jawaabaa inay tahay oraah sax ah, mana aha oraah sax ah iyo wax u dhow toona!

18. Subax wanaagsan, habeen wanaagsan…: Beryahaan dambe waxaynu maqalnaa weriyeyaasha qaarkood oo, haddaynu nahay daawatada ama dhegeysteyaasha, kolkay ina bariidinayaan oranaaya: “Dhegeysteyaal, ‘subaxnimo wanaagsan’ ama ‘galabnimo wanaagsan’ ama ‘fiidnimo wanaagsan’ ama ‘maalinnimo wanaagsan’ ama ‘habeennimo wanaagsan’” iyo qaar kale oo la too ah?

Sannad idil lagama joogo kolkii ay idaacadaha qaarkood bilaabeen dadka ay la hadlayaan in ay erayadaas ku salaamaan. Dabadeedna, dhallinyarada warbaahinta ayaad mooddaa inay ku daateen, isagana daydeen adeegsiga nabdaadinta caynkaas ah, gaar ahaan marka ay soo-jeedinta barnaamijyadooda gudo-gelayaan.

Haddaba, isnabdaadinta sidaas ahi, af ahaan, ma hagaagsana, waxaana ku jira laaxin loo baahan yahay in laga saxo. Hase ahaatee, inta aanan laaxinkaas soo dibed-bixin, aan dib ugu yare noqdo hababkii ay Soomaalidu isu nabdaadin jirtey, gaar ahaan waayadii dhaqankeedu uu, badiba, reer-miyinnimada ku dhisnaa.

Laba qof oo aan is’aqooni kolkay meel isaga hor-yimaadaan, kolba koodii nabdaadinta ku hormara ayaa wuxuu oran jirey: “Nabad ma sheegtay?” Markaas buu kan kalena wuxuu ku jawaabi jirey: “Nabad baan sheegaye, adigu maxaad sheegtay?” Kolkaas ka dib ayay is-haybsan jireen, iskana waraysan jireen mid waliba waxa uu rabo inuu wax ka ogaado iyo dantii uu ku raad-joogey: Baadixoolaad, abaar iyo aaran, roob iyo deegaan, colaad iyo nabad iyo dhammaan labada mid walba meesha ay saantiisu ka soo jeeddo wixii lagu qabey. Taasina waa markii ay arrintu joogto laba ruux oo socoto ah ama koox negi oo meel shiran ku ah iyo koox kale oo markaas la soo joogsatey.

Ha yeeshee, waxaa jirta isnabdaadin kale oo si gaar ah iyada looga garan karo dhinacyada isnabdaadinayaa waqtiga ay markaas ku sugan yihiin; ma habeen baa, ma maalin baa? Bal tanna aan tusaaleeyo: Nin socoto ah ayaa goor ay fiid hore tahay waxa uu la soo joogsan jirey reer, wax yar ka hor, rugahoodii u soo hoydey oo xoolihii soo xeraystay oo maalay oo carruurtii seexsaday amaba ay markaas u seexanayso. Goortaas oo kalena nabdaadinta ninkaasi waxay u badnayd inay noqoto: “War maxaa lagu soo uruuray?” Dabadeedna, odayga reerka u weyn ayaa ku jawaabi jirey: “Nabad baan ku soo ururraye, adigu maxaad sheegtay?” Halkaas buu iswaraysiga kale ka sii socon jirey, ninkaasina reerka ayuu habeenkaas martiyi jirey ama meel kale oo uu yaqaan ayuu u sii dheelman jirey.

Isla ninkaas socotada ahi kolkuu waabberigii ku soo baxo reero kale oo xoolihii ay weli u xeraysan yihiin oo markaas haruubbada u qaatay amaba kala soo baxay waxa uu ku nabdaadin jirey: “War maxaad ku barideen?” ama “Maxaa lagu beryey?” ama “Ciddu maxay ku bariday?” Odayga reerka ama ragga waaweyn ee uu dhalay midkood ayaa markaasna ku jawaabi jirey: “Nabad baannu ku barinnay. Alxamdulillaah. Wax soo aaddan Allaa og. Wax weyddiin ogaal. Warkayaa inta le’eg. Waa sidee, adigu maxaad sheegtay?”
Mararka qaarkood haddii ninkaas reerka lihi uu dayrsanaayo ee uu gocanaayo dareen dhowaan qoladooda la soo gudboonaadey (sida rag laga laayey, xoolo laga mooradduugey, dumar laga boojiyey, iyo wixi lamid ah), nabdaadinta ah ‘maxaad ku barideen?’ wuxuu kaga jawaabi jirey: “La soo kaakac. Nin iyo waagii. Madaxa la qaad! Aadane mooyee, Eebbe wax ka sheegan mayno! Ninkeed-dhibi ma yara” iyo erayo la mid ah oo midka socotada ahi uu ka garan jirey dhacdo aan la mahadini inay reeraha ku cusub tahay.

Guud ahaan, sidaas bay muddo dheer isnabdaadinta Soomaalidu iska ahayd, waxayse wax iska beddaleen oo ay wax ku soo kordheen xilligii Gumeysiga, gaar ahaan barkii labaad ee qarnigii 20d. Qayb weyn oo bulshada Soomaaliyeed ka mid ahi waa markii ay reer-magaalowdey. Dhallinyaro door ahi waa markii waxbarashada casriga ah ay dugsiyadii shisheeyuhu furay ugu xeraysatay. Waa xilligii ay bilaabatay inay dhexdeenna ka hirgalaan hababkii isnabdaadinta ee qarammadii ina gumeystey ay ina bareen sida: Buon giorno, Buon pomeriggio, Buona sera, Good morning, Good afternoon, Good evening, iyo wixi la mid ah.

Muddo waxay sidaas ahaato oo hababkii isnabdaadinta afafka shisheeyaha lagu xarragoodaba, waxaa la soo gaarey dhammaadkii 1900 iyo afartannadii iyo bilawgii 1900 iyo kontonnadii, markaas oo xisbigii gobannimoddoonka ee Leegada (Es.Waay.El – SYL) loo yiqiini uu calan-wallaynaayey. Sida laga yaabo in weli la xusuusan yahay, waddaniyad heer jidbo gaarsiisan iyo qab ummadnimo oo caqiido diineed lagu saawayn karo ayuu xisbigu beryahaas dadkii ku wada tallaalay, waxaana ujeeddooyinkii u dhignaa ka mid ahaa in af-Soomaaliga la qoro, sidaasna afafka shisheeyaha looga maarmo.

Haddaba, sannadkii 1949kii ayaa magaalada Xamar iyo Leegada dhexdeeda waxaa laga unkay urur-dhaqameed la baxay ‘Goosanka Af-Soomaaliga’; kaas oo ay asaastay dhallinyaro uu, Alla ha u naxariistee, hormuud u ahaa afyaqaankii la oran jirey Yaasiin Cismaan Keenadiid. Waxay ahaayeen dhallinyaro aqoonta dhaqankooda ku darsatay tii casriga ahayd ee ay ka kororsadeen dugsiyada maamulkii Talyaaniga iyo kii Ingiriiska ee dal-weynaha Soomaalida u wada taliyey intii u dhexaysey 1941-1950kii. Waxay ahaayeen qaar uu derderey jacayl aan soohdin lahayn oo ay u qabeen af-Soomaaligooda; kaas oo ay u arkayeen eray iyo oraahba, inuu aad hodon uga yahay, sidaas darteedna aanu u baahnayn afaf qalaad erayo looga soo amaahdo. Markaas bay aad isugu hawleen eray kasta oo afafka shisheeyaha ku abtirsada, Soomaaliduna ay ku hadasho inay ku beddalaan ku la mid ah oo, asal ahaan, af-Soomaali ah.

Xilligaas ayay bilaabeen waxa aynu haatan ‘eraybixinta’ u naqaan. Xilligaas ayay afka ku soo dareen erayo faro badan oo ku cusbaa, eeggase ka mid noqday.

Xilligaas ayay dhallinyaradaasi waxay Soomaalidii reer-magaalka ahayd ka reebeen ku-adeegsiga isnabdaadintii afafka shisheeyaha uga timid, dhowaantana ay qaayibeen. Waa xilligii ay soo saareen weedhaha ay ka midka yihiin: ‘Subax wanaagsan’, ‘galab wanaagsan’, ‘habeen wanaagsan’ iyo ‘maalin wanaagsan’, kuwaas oo haddiiba bulshada dhexdeeda ka hirgalaya, lagagana maarmay: Good morning, Good afternoon, Good night, Buon giorno, Buona sera, Buon pomeriggio iyo weedhaha qalaad ee la midka ah.
Sida, haddaba, inoo wada cad, isnabdaadintan cusubi waxay mid waliba ka kooban tahay laba eray oo qura. Erayga hore waa magac sida subax, galab, habeen iyo maalin. Midka labaadna waa tilmaan oo waa ‘wanaagsan’; kaas oo magac walba gadaal ka raaca.

19. Oddoros: Saraakiisha Jamciyadda Quruumaha ayaa markii ay muddo joogaanba ka soo dega garoonka Nambar-50, si ay u oddorasaan habka ay kaalmadu dadka u baahan ay u gaareyso.

20. Qardajeex: Mar dhawr bilood haatan laga joogo ayaa meel Boosaaso u dhow waxaa lagu af-duubay weriye Faransiis ah oo hay’addii warfaafineed ee uu u shaqaynaayey xagga masawir-qaadidda ugu qaybsanaa. Wuxuu doonaayey, isaga oo maamulka dhulka Bunt aan ogeysiin inuu gaaro xeebta Mareero la yiraahdo, halkaasna uu kala soo laabto masawirro uu ka soo qaado dadka Yaman doolka ugu sodcaala ee doonyaha halakaysan inta laga ijaaro badda tarabtarabta ugu le’da. Masawirradaasi waxay noqon lahaayeen kuwii ugu horreeyey oo dadkaas geerida u bareeray ay dunidu abid ka aragto, weriyuhuna, hadday u suuraggasho, intay magac dheeriyi ka raacdo ayuu haddana ku dallici lahaa!

Dabadeed, madaxda geyigaas nin ka mid ah oo ka jawaabaya su’aal ay idaacadaha qaarkood weyddiiyeen ayaa yiri: “Weriyaha Faransiiska ah ee halkaas lagu af-duubay wuxuu ahaa nin qardajeex ku socda.” In kastoo uu dedaaley, haddana ninkaas madaxda ahi kuma uu guuleysan macnihii uu rabey erayga ku habboon inuu afka uga helo. Ulajeeddadiisu waxay ahayd weriyaha la afduubay inuu taxaddar li’i ku canbaareeyo. Wuxuu doonaayey inuu ku eedeeyo waxa ku dhacay iyo burcadda uu u gacan-galay inuu isagu isu geystey, markii madaxda dhulka Bunt uu sodcaalkiisa kala tashan waayey oo bedbaadadiisa uu iyaga ugu magan noqon waayey. Markaas buu adeegsadey erayga qardajeex oo tilmaamaya falkii uu weriyuhu ku kacay mid ka fudud.

Maxaa, haddaba, qardjeex la yiraahdaa? Waa laba eray oo wadajir ahaantooda loogu tilmaamo ku-sodcaalka dhulka ay geedaha badani ka baxaan ee aan waddooyinka lahayn. Waxaa la yiraahdaa: “Roobab mahiigaan ah oo waddada gooyey dartood, baabuur badan ayaa saaka magaalada qardajeex ku soo gashay.” Waxaa kaloo la yiraahdaa: “Ma og tahay hebel intuu jidkii xalay ka habaabay inuu soo qardajeexay, dabadeedna uu yimid, isaga oo ay qodxo ka meel-waayeen.”

Badanaa, socodka sidaas ah qofka u bareera ama ay dani baddoba loogama cabsado dhibaato weyn oo ay noloshiisu halis ku geli karayso. Malaha, waxa ugu daran oo soo gaaraayi waa qodxo muda ama maryaha ka dillaaciya iyo geedgaab uu ku xajiimoodo kolka oogadiisa inteeda bannaan ay istaabtaan. Cabbaar ka dibna, waxay u badan tahay inuu qofkaasi helo tubo toosan, waddooyin haloosi ah ama dhul bannaan oo uu ku sodcaalo.

U malayn maayo, kolka, falka weriyuhu qardajeex uun haddii uu ku ekaan lahaa in wargeyskii uu u shaqaynaayey, dawladda Faransiiska ee uu u dhashay iyo Midowga Yurubba ay bedbaadada naftiisa uga welweli lahaayeen sidii xoogga lahayd ee ay uga welweleen dhawrkii maalmood ee uu gacanta burcadda ku jirey. Weriyuhu isaga oo og dhulka uu marayo inaan kala-dambayn sidaas ahi ka jirin ayuu haddana u bareeray inuu keligiis sodcaalo. Sow isagu kuma dhiirran maamulka gobolka intuu iska indho-tiro in keligiis cad oo madow uu Mareero isa sii taago; isaga oo og inay keli-safriddaas halisi uga imaan karayso, halka uu u socdaana aysan ahayn xeeb ku-bedbaadiddeeda la hubo oo lagu masayn karo xeebaha koonfurta dalka Faransiiska ee Cote d’azur loo yaqaan!

Haddaba, falka weriyaha shisheeye lagu eedeeyey qardajeex lama yiraahdee, wuu ka weyn yahay. Waa jar-iska-xoornimo ama waa qar-iska-tuurnimo. Sidaas awgeed ninkii madaxda ahaa ee waraysiga bixinaayey waxaa ku habboonayd inuu ku jawaabo: “Weriyaha Faransiisku wuxuu ahaa nin jar-iska-xoor ah,” haddii kale, “qar-iska-tuur ah.”

21. Shaac-ka-qaad:

22. Kaalin libaax leh:

B. Erayo shisheeye oo aan baahi loo qabin, kuwa Soomaaliyeed maxaa lagu nacayaa?
Soomaaalidu, sidaynu wada og nahay, waa ummad wax-akhriska iyo qoraalkuba ay ku cusub yihiin. Sidaas darteed, waa ummad idaacadaha aad u dhegeysata oo jecel waxa dunida ka dhacaaya inay ku maqasho afka ay garanayso oo keeda ah. Markaan anigu hanaqaaday, dhallinyaro iyo waayeelba, wararka uu weriyuhu tebinaayo ka sokow, af-Soomaaliga uu ku hadlaayo ayaa loo fiirsan jirey.

Weriyeyaasha ayaa la kala baran jirey. Sidaas darteedna, maalinta ‘hebel’ uu warka leeyahay ama ‘barnaamij hebel’ uu soo tebinaayo, si wacan ayay dhegaha loogu raaricin jirey, ‘hebel’ kale maalinta uu soo sheegayose, codka raadiyaha ayaa la iska gaabin jirey! Waa la iska dhigi jirey oo waxaan garanayaa iyada oo ay dhallinyaradu isku daydo ‘weriye hebel’ inay dhaajiyaan oo sida uu u hadlo ay iyaguna u hadlaan, erayada uu badanaa adeegsadana ay weerahooda ku soo daraan. Sidoo kale, weriyeyaasha barbaradka ah qudhoodu waxay ku dedaali jireen inay isu ekaysiiyaan kuwii caanka noqday ee ka horreeyey midkood; taasoo ay ka filayeen aqoonsiga dhegeysatada inay si degdeg ah ugu taabaan.

Taas darteed, waxaynu weriyaha ku tilmaami karaynaa, shalay iyo maantaba, toos iyo gurracba, bare ay dhegeysatadu afka ka bartaan oo, dhinaca waxbarashada guud, bulshada aad uga saameeya. Malaha, waa sababta inoo fasiraysa weynida xilka daryeelka af-Soomaaliga ee weriyeyaasha maanta dusha ka saaran; xilkaas oo ay ka soo dhalaaleen warfidiyeennadii wax ka soo tebin jirey idaacadaha af-Soomaaliga ku hadla sannadihii kontonnadii, lixdannadii iyo toddobaatannadii qarnigii hore iyo, guud ahaanba, wixii qorista afka ka horreeyey.

Afka oo aan qornayn iyo ka dibba, waa raggii ku guuleystey, war iyo warbixinba, dhegeysatadooda inay ugu gudbiyaan af-Soomaali barax la’. Waa ragga lagu xusuusan doono aqoontii qabku weheliyey ee ay u lahaayeen dhaqankooda iyo afkooda. Waa ragga ay tahay inaynu ku maamuusno sidii ay af-Soomaaliga u kobciyeen ee ay uga dhigeen af qaadi karaya fikradaha casriga ah iyo eraybixinta afafka qalaad ee sayniska, teknoloojiyada iyo kasmooyinka bulshada.

Waxay ahaayeen raggii afka ku soo daray erayo faro badan oo awel hore aan ku jiri jirin, haatanse ka mid noqday sida:

1. dayax-gacmeed (satellite)
2. Qarammada Midoobey (United Nations)
3. hantiwadaag (socialism)
4. horumar (progress)
5. hubka halista ah (nuclear weapons)
6. hubka iswada (automatic weapons)
7. hirarka gaaggaaban (short waves)
8. hirarka dheerdheer (long waves)
9. hirka dhexe (medium wave)
10. biyo-dhaca Fiktooriya (Victoria Falls)
11. barwaaqo-sooran (commonwealth).
12. geeddi-socodka nabadda (peace process)
13. Buuraleyda Juulaan (Golan Heights)
14. maan-dooriyeyaal (drugs)
15. gacan-ka-hadal (violence)

… iyo qaar kale oo dharaar noolba aynu ka maqalno idaacadaha Af-Soomaaliga ku
hadla.

* * *

Arartayda iyo ulajeeddada ka dambaysaaba waxaad mooddaa in ay u eg tahay maahmaahdii ahayd: ‘Wadaad maqan ammaantii, waa wadaad jooga caydii!’
Waana loo qaadan karaa. Runtii, weriyeyaasha da’dii hore waxaa i xusuusiyey dhallinyarada dhowaanta warfaafinta ku soo biirtay oo qaar ka mid ah aan ku darraabaayo sida ay uga liitaan af-Soomaaliga tayada sare leh ee idaacadaha u qalma iyo, isla markaas, sida ay u moog yihiin, af-Soomaaliguna, tabta afafka kale, inuu barasho uga baahan yahay.

Haddaba, taag iyo aqooni meel ay dhigtoba, xilka daryeelka af-Soomaaliga intiisa ugu weyni, maalin kaleba yeelkeede, waxa uu maanta dusha ka saaran yahay qolyaha warfaafinta, gaar ahaan idaacadaha iyo warfidiyeennada ka xoogsada ee wararka iyo warbixinnadaba ka dawiya. Taas aniga oo maanka ku haya, bal aan tusaaleeyo gefafka dhegeysiga idaacadaha qaarkood aan ka qabtay oo warfidiyeenka xilligan aan farta ugu fiiqaayo, si aynu u ilaalinno bedqabka tiirarka dhaqankeennu ku qotomo midka ugu qaalisan; waa af-Soomaaligee. Gefafkaas oo aan ka yaabaayo, haddii aan daymo loo yeelan, inay sidaas ku hirgelaan ayay ila noqotay inaan dadka ku baraarujiyo, in kastoo aanan hubin sida ay mudan yihiin in dhegaha loogu raaricin doono.

Yeelkeede, gefafkaas oo dhawr qaybood loo kala dhigdhigi karo waxaa ka mid ah:

1. Gefaf erayada afka qaarkood ku saabsan,
2. Kuwo xagga naxwihiisa la xiriira, iyo
3. Erayo afaf shisheeye ka soo jeeda oo dhiggooda afkeenna laga heli karo, sidaas darteedna aan adeegsigooda baahi loo qabin,
4. Tarjamad xarfi ah iyo wax-curis la’aan: Oraah inta warbaahiyeyaasha midkood inta maalin laga maqlay looga wada dayday; iyada oo aan afka laga waayin si kale oo loo yiraahdo.

Intaas aan ku dhaafo 10kaasi erayada ay ka midka yihiin ee warbaahinta qaarkeed ay sida qaladka ah u adeegsato, una gudbo kuwo afaf shisheeye laga keenay oo aynu maalin walba maqalno. Waa dhab oo afafka adduunku erayada way kala amaahdaan, hase ahaatee amaahashada caynkaas ah waxaa laguu oggol yahay markii ay kuwa afkaagu kugu yaraadaan. Haddaba, su’aashu waxay tahay, ‘kuweennii oo daf ah maxaynu qaar qalaad ku falaynaa?’ Erayadaas afafka shisheeye gardarrada ay uga soo qaataanna waxaa ka mid ah:

1. Suxufi: Bartamihii 1900 iyo sagaashannadii ayuu eraygani si kediso ah dhinac walba inooga soo galay. Hoteel Suxufi! Suxufi Xamar jooga! Suxufi ‘wargeys hebel’ ka tirsan! Hebel ayaa meel hebla suxufiyiin kula hadlay! Cidina isma weyddiin: eraygu halka uu ka soo jeedo iyo mid u dhigma in aynu leennahay iyo in kale. Waa lagu qamaamay, laguna kawkabay sidii ari wax badan biyo ka qatanaa oo kaalinkii ceelka iyo isaga la isaga dhex-baxay!

Horta eraygu waa Carabi, isaga oo sax ahna waxay Carabtu ugu dhawaaqaan As-Saxafi. Waxaa laga soo dhanbashay erayga asalka ah: As-Saxaafah.

Af-Soomaaliga waxa uu ku yahay warbaahin amase warfaafin oo inooba ahaa magac wasaaradeed. Miyaynu illowney Wasaaraddii Warfaafinta? Qofka ka shaqeeya amaba hawlaha warfaafinta u tababbaran, sow taynu ku magacaabi jirney warfidiyeen? Sow taynu lahayn warfidiyeenno Soomaali ah? Bal maxaa lagu nacay oo ‘suxufi’ iyo ‘saxaafad’ looga doortay?

Lama yaqaan sababta ay weriyeyaashu iyaga ku jeclaysteen; iyaga oo heli kara dhiggooda oo af-Soomaali ah.

2. Muhaajiriin: 10kii sano ee u dambaysey waxaa soo kordhaayey dunida saddexaad dadka ka tirsan ee sida qarsoodiga ah Yurub ugu soo qulqulaaya.

Sida la malayn karo, sababuhu waxay u badan yihiin dagaallo sokeeye oo ay ka baxsanaayaan ama dandarro xagga dhaqaalaha ah oo ay u joogi kari waayeen.
Qulqulkaasi mar walba ma tabaalo la’a, waxaana badaha ku baabba’a dad faro badan oo inta lacag laga qaatay doonyo aan hagaagsanayn laga soo buuxiyey.

Cid walba dadkaasi waa leeyihiin, waxaase u badan kuwa ka dalaaba Bariga Dhexe, Afrikada Waqooyi, Geeska Afrika iyo Yurubta Bari.

Si joogto ah ayaa, haddaba, ay dadkani wararka ugu jiraan, waxayna idaacadaha qaarkood ku tilmaamaan ‘muhaajiriin’; iyada oo aad mooddo inay af-Soomaaliga eray uga waayeen ama inay uga helaanba aan isku dhibin.

Socodka sidaas ah ee dal iyo degaan hore inta laga tago lagu aado dal iyo degaan hor leh waxa ay Soomaalidu u taqaan doolaalo, dadka sidaas yeelana waxaa la yiraahdaa dool.

Libaaxa ayaa ka mid ah dugaagga doolaalada lagu yaqaan ee, badanaa abaaraha dartood, kolba dalkii uu joogi jirey mid aan ahayn lagu arko. Markaas oo kale waxay oran jireen, “Libaax dool ah ayaa degmada soo galay,” oo ay ula jeedaan libaax degaammo kale ka soo doolaalay amba ka soo dalandoolay.

Cayaartoygii jiibsaday ee gabadhii uu jeclaa farriinta daboolan u diraayey waa kii lahaa:

Libaax dalandoolay duur ma ceshee
Digaay dalku waysku yaallaa.

Sidaas darteed, weriyeyaasheennu uma baahna erayga ‘muhaajiriin’ oo Carabi ah inay dhegeysteyaasha wax ugu sheegaan. Waxaa ku habboon inay yiraahdaan, “Dal hebel dad ka soo doolay ayaa xeebaha Yurubta Galbeed shalay soo gaarey,” ama “200 oo qof oo dool ah ayaa markab kula jabay bartamaha Badyarada Cadmeed.”

3. Bareejo: Barnaamijyada cayaaraha oo lagu soo qaato tartanka kooxaha kala duwan dhex-mara waxaynu ku maqalnaa weriye meel wax ka soo tebinaaya oo leh, “Koox hebla iyo koox hebla cayaar kubbadda cagta ah oo magaalo hebla ku dhex-martay waxay ku dhammaatay bareejo; mid walibana 2 gool ayay dhalisay.” Waa eray af-Talyaani laga soo qaatay ‘pareggio’ oo aan weriyaha Soomaaliyeed baahi u qabin, maxaa yeelay waxa uu haystaa erayo u dhigma oo sal adag afkiisa ku leh.

Wuxuu haystaa erayada ah ‘barbarro’ ama ‘barbardhac.’ Markaas ayuu ku soo warrami karaa, “Koox hebla iyo koox hebla oo xalay cayaari ku dhex-martay garoon hebel ayaa barbarro noqday.” Ama waxa ay oran karaan, “Cayaartii labada kooxood waxay ku idlaatay barbardhac markii ay tu waliba 2 gool dhalisay.”

Labada erayba waxay ka soo jeedaan xeerarka cayaaraha bardooddanka ee, hidde ahaan, ay Soomaalidu u lahayd sida legdanka, bootimaalaysiga, yoolyoolka iyo kuwa la midka ah.

4. Mistar Guuleed ama Mistar Faarax: Gobannimada ka hor Soomaalidu ma lahayn talis dhexe oo dalka ka wada taliya. Ma aynu lahayn boqorro ciidammo leh oo laga baqo, amarkoodana lagu wada qasbanaa. Wiilwaal iyo qaar kale oo tiro yar markii laga reebo, boqorrada, garaaddada iyo ugaasyada Soomaalidu ma lahayn awoodda wax-muquuninta ee kuwa dhiggooda ahi ay dunida kale ku lahaayeen.

Astaan-sharafeed ayuun bay tolka u ahaayeen, waxayna u guddoomin jireen kolba wixii talo ah oo ay guurtidu ula timaaddo.

Sidaas darteed, waxaa la inagu tilmaamaa inaynu nahay ‘bulsho wada siman’ (egalitarian society) oo aan lahayn hannaanka kala-sarraynta ee ummadaha kale ay soo mareen, welina ay ku dhaqmaan. Taasina waxyaabaha ay keentay waxaa ka mid ah afkeenna in laga waayo erayada tilmaama meekhaanka siyaasadeed iyo midka bulsho ee ay u badan tahay afafka ummadaha kale in laga helo.

Madax-dhaqameedka iyo shiikha buuniga ah mooyee, nin walba waxaynu ugu wici karaynaa magaciisa oo keliya; iyada oo aynaan waxba ka hormarin.

Hase ahaatee, waxay sidaas ahaatoba, bartamihii toddobaatannadii qarnigii hore ayay xukuumaddii Kacaanka ee hantiwadaagga ahayd waxay malaha u baahatay eray af-Soomaali ah oo u dhigma midkii ay bulshada shuuciga ahi isugu yeeri jirtey, iskuna aqoonsan jirtey; kaas oo ahaa erayga tvarish markuu Ruush yahay, comrade markuu Ingiriis yahay iyo compagno markuu Talyaani yahay.

Dabadeed, maalin maalmaha ka mid ah, isaga oo Shabeellaha Hoose kormeer ku maraya ayuu madaxweyne Maxamed Siyaad Barre wuxuu meel fagaare ah ka soo jeediyey inuu door-bidaayo erayga ‘jaalle’ in la qaato, laguna beddalo erayada shisheeye ee kala ah: Mister, Signore iyo As-Sayid oo ah kuwo afaf shisheeye laga soo amaahday, magacyada dadkana, maamuus ahaan, looga hormariyo.

Wuxuu ahaa eray hore oo tartanka iyo cayaaraha bardooddanka ay Soomaalidu ku tiqiin, gabayadii horena muush ka ah. In kastoo waayadii dambe midab hantiwadaag loo yeelay, haddana wuxuu noqday eray si degdeg ah u hirgalay oo ka mid noqday eraybixinta siyaasadeed ee Soomaaliyadii xilligaas.

Sidii ay xukuumaddaasi u burburtayba, eraygaas cidina ma soo qaadin, wax beddalayna idaacadaha kama hirgelin. Marmar ayaa la maqlaa erayga ‘mudane’ oo ah eray xilligii Kacaanka ka horreeyey lagu aqoonsan jirey raggii baarlamaanka loo soo dooran jirey. Magacyadooda ayaa laga hormarin jirey, iyaga ayuun buuna gaar u ahaa. Waxaa la oran jirey “Mudane hebel-hebel ayaa meel hebla tegey,” ama “sidaas iyo sidaas yiri.” Mase ahayn naanays-sharafeed rag oo idili u sinnaa.

Si kastaba ha ahaatee, weriyeyaasha qaar ka mid ah ayaa waayadan waxay adeegsadaan erayga Mister (Mr.) marka ay wararka ku xusayaan nin Soomaaliyeed; magac ha lahaado ama yuusan lahaane. Waxaa, haddaba, aniga si aad ah iila qaab daran in qof af-Soomaali ku hadlayaa uu yiraahdo Mistar Guuleed ama Mistar Faarax oo ah laba eray oo aan meel wada geli karin, la isna oggolaysiin karin!

‘Jaalle’ iyo ‘mudane’ haddii aan la rabinna, waxaa ila habboon, cidna damqi maysee, magaca oo sidiisa ah in la sheego.

5. Tirada telefoonka: Ma aqaan in la ila dareemay iyo in kale, waxaanse la yaabaa Soomaalida xilliyadan oo, yar iyo weynba, tirada telefoonka af-Ingiriis isugu sheegta. Tusaale ahaan, qof baad ku leedahay, “Telefoonkaaga ama midka hebel ii yeeri,” markaas buu inta kuu bilaabo ku oranayaa, “Qoro: eight, nine, three, five, four, six…” ilaa uu dhammeeyo! Maxaa loo qaadan karaa?

Kolley saboolnimo xagga af-Soomaaliga ah looma aanayn karo, mana aha inaan qofku afkiisa tirada ku aqoon, maxaa yeelay iyada iyo abtirsiinaduba waa aqoonta ugu horraysa ee aynu hooyada ka baranno. Maxaa u diidaya inuu yiraahdo, “Siddeed, sagaal, saddex, shan, afar, lix…”?

Mar kale: Maxaa loo qaadan karaa ama lagu fasiri karaa? Bal adba!

C. Gefaf Naxwe: Hababka Wadaraynta Magacyada:

Sida afafka kale, af-Soomaaligu wuxuu leeyahay xeerar dhismaha weedhiisa xukuma. In kastoo aan dadweynaha si ballaaran loogu dhex-faafin, haddana xeerarkaasi maanta waa kuwo intooda badan la yaqaan. Iyagaas ayaa qaabeeya isrogrogga falka, qaybaha magacyada iyo sida loo kooxeeyo, qodobbada uu magac waliba qaadan karo, qurubyada iyo sida ay weedha u saameeyaan, qaybaha hadalka mid waliba meesha ay weedha ka gasho iyo wixii la hal-maala.

Haddaba, aan halkan si kooban ugu soo bandhigo qaybo ka mid ah gefafka xagga naxwaha afka ku saabsan ee warfidiyeennada qaarkood ay ku dhacaan kolka ay barnaamijyadooda dawinayaan, gaar ahaan wadaraynta magacyada iyo wixii la xiriira.

Lab ama dheddig kii ay ahaadaanba, magacyada af-Soomaaligu waxay leeyihiin dhawr siyood oo loo kooxeeyo. Waxaa ka mid ah:

1. Magaca oo gadaal laga raaciyo -o sida oday iyo odayo ama nirig iyo nirgo;
2. Magaca oo gadaal laga raaciyo -yaal sida tuke iyo tukeyaal ama dubbe iyo dubbeyaal ama aabbe iyo aabbeyaal;
3. Magaca oo gadaal laga raaciyo -yo sida gabay iyo gabayo ama mindi iyo mindiyo;
4. Magaca oo gadaal laga raaciyo -oyin sida waddo iyo waddooyin ama hooyo iyo hooyooyin;

Afartaas siyood iyo qaar kale oo aan ka boodney ayaa magacyada af-Soomaaliga loo kooxeeyaa ama loo wadareeyaa. Waxaase jira habab kale oo aan afkeenna sal ku lahayn, idaacadahase aynu ka maqalno. Waxaa ka mid ah: magaca oo, si loo kooxeeyo, gadaal laga raaciyo dibkabaha -iin, taas oo aan ku tusaalayn karayno saddexda eray ee kala ah Falastiiniyiin, mintidiin iyo dagaalyahaniin:

  1. Falastiiniy -iin: Habkani, sidiisaba, waa hab wax loo wadareeyo oo afka Carabta ka soo jeeda, dhowaanna ina soo galay. Waa magac loola jeedo Carabta degta dalka Falastiin, waana eray kolkii afkaas lagu hadlaayo sidaas uu u qoran yahay sax ku ah, hase ahaatee khilaafsan xeerarka kooxaynta magacyada af-Soomaaliga. Waxay la mid tahay innaga oo niraahna: Jarmaliinta, Hindiyiinta, Ingiriisiyiinta, Talyaaniyiinta; taas oo dhadhankeeda qaladka ah aynu si fudud ku dareemi karayno. Sidaas darteed, waxaa ila habboon ummaddaas kolkii aynu Soomaalida u sheegayno inaynu ku niraahno: dadka Reer-Falastiin ama Reer-Falastiin oo keliya.
  2. Mintid -iin: Marka hore kani waa eray af-Soomaali ah oo aan u baahnayn in habkan Carabiga ah loo wadareeyo. Waxaan u jeedaa erayadu haddii ay af-Soomaali yihiin waxay, sidii aan soo aragnay, leeyihiin hababkooda gaarka ah ee ay u wadaroobaan. Marka labaadna waa eray tilmaan ah oo keli iyo kooxba aan beddalmin. Waxaa la yiraahdaa, ‘nin mintid ah’ sida loo yiraahdo, ‘100 nin oo mintid ah.’ Waa tuu ninkii gabyey lahaa: Mintid faro yar mirihii bataa kama macaashaane! Sidaas darteed, waxaa gef ah in la yiraahdo, ‘ururro mintidiin ah’ ama ‘kooxaha mintidiinta ah ee dal hebel…’ Waxaa habboon oo xeerarka naxwaha afkana sal ku leh in la yiraahdo, ‘ururro mintid ah’ iyo ‘kooxaha mintidka ah ee dal hebel…’
  3. Dagaalyahan -iin: Isna waa eray af-Soomaali ah oo leh qaab loo wadareeyo; kaas oo aan ahayn qaabka Carabiga ah ee uu hadda u qoran yahay, warfidiyeennada qaarkoodna ay ugu tiraabaan. Wuxuu ka mid yahay magacyo, cayn ahaan, lab ah, kuna idlaada shibbaneyaasha kala ah n, l, d, r iyo b.

Magacyada sidaas ah markii ay wadar noqonayaan shaqalka -o ayaa gadaal ka raaca, waxaase ku dhaca isbeddal dhinaca codka ah. Shibbanaha ugu dambeeya ayaa laballaabma. Waxaa tusaale u noqon kara: sacab iyo sacabbo, gamuun iyo gamuunno, shabeel iyo shabeello, wadaad iyo wadaaddo, iyo wixi lamid ah.

Haddaba, erayga ‘dagaalyahan’ oo ku dhammaada shibbanaha n wuxuu u wadaroobaa tabta kuwaas afarta ah, sidaas awgeedna ‘dagaalyahanno’ ayuu noqonayaa marka wax nin ka badan lagu tilmaamaayo.

5. Eedaymo: Erayga eed waxa uu ka mid yahay kuwo uu warfidiyeenka cusubi ku turunturroodo, gaar ahaan marka uu doono inuu wadareeyo. Waa magac dheddig oo hal-alanle ah (one-syllable word), isaga oo kalena waxa uu ku kooxoobaa ama uu wadar ku noqdaa marka gadaal laga raaciyo shaqalka -o.

Aan ku tusaaleeyo, naxwe ahaan, erayadan ay isku dabeecadda yihiin: hees iyo heeso, meel iyo meelo, seed iyo seedo, seef iyo seefo, beel iyo beelo, beer iyo beero, iyo wixi la mid ah. Erayga ‘eedaymo’ oo qaarkood ay wadarta ereyga eed ugu adeegtaani ma wadaroobi karo, maxaa yeelay magac ma aha, naxwe ahaanna waa qalad.

Waxa uu ka soo jeedaa erayga ‘eedayn’ oo ah masdar (infinite), masdarkuna ma wadaroobo. Sidaas darteed, erayga eed marka aynu wadar ka dhigayno wuxuu noqonayaa ‘eedo’ ee ‘eedaymo’ noqon maayo. Waxaa u daliil ah tuduc ku jira gabay uu Cismaan Baxnaan tiriyey oo ahaa:

Weligaa dumaal kaa fog baad duub u xidhataaye
Dadkuna haatan waa yaabban yahay daqaqankaagiiye
Danina kuuma geynnine adaa doonta eedaha1 e.

Bal u fiirso. Wuxuu gabayaagu yiri, ‘eedaha’ oo ah wadarta eed (eedo) oo qodob la raaciyey.

5. Qalalaasooyin, dhimashooyin iyo dilal: Saddexduba waa erayo aynu dharaar walba idaacadaha ka maqalno, lana yaabno. Naxwe ahaan, magaca af-Soomaaligu mar waa lab, marna waa dheddig, mar waa keli, marna waa koox, mar waa caadyaal, marna waa cillanaad, mar waa gaar, marna waa mid guud.

Saddexduba waxay ka mid yihiin magacyada qaarka ay afyaqaannadu ku tilmaamaan ‘uuryaallo’ oo ay ula jeedaan magacyada kuwa aan la taaban karin (abstract nouns) oo, macne ahaan, in loo garto mooyee aan muuqan karin.

Waxay la mid yihiin run, been, doqonnimo, hantiwadaag, daacadnimo, iyo wixi la mid ah.

Erayada sidaas ahi, af-Soomaaliga markii ay joogto, ma wadaroobaan. Waxaase hubaal ah weriyeyaasha Soomaalidu inay arkeen erayadaas oo afafka shisheeye qaarkood qaab-wadareed ku leh, markaasna ay ku daydeen. Waxay la kulmeen erayada af-Ingiriiska ah ee kala ah: riots, deaths iyo killings, dabadeedna waxay u rogeen qalalaasooyin, dhimashooyin iyo dilal!

Haddii ay af-Ingiriiska qaabkaas wadareed ku leeyihiin, af-Soomaaliga kuma yeelan karaan. Sidaas daraaddeed saddexduba, tiro ahaan, waa magacyo keli ah, markii ay wax badan tilmaamayaanna waxba iskama beddalaan. Waxaad oran kartaa, “Magaalooyin dhawr ah ayaa shalay waxaa ka dhacay qalalaase xoog leh, sida lagu soo warramayna, dilka halkaas ka dhacay tiradiisa waa la yaabay, dhimashadu waa tarab-tarab oo xisaab ma laha.”

6. Dalka Ruushku waxay sheegeen: Falku (verb) wuxuu tilmaan inaga siiyaa yeelaha (subject); xagga tiradiisa iyo xagga cayntiisa labadaba. Falka ayaa laga gartaa hadduu yeeluhu keli yahay iyo hadduu koox yahay. Sidoo kale, isaga ayaynu ka ogaan karnaa haddii uu dheddig yahay iyo haddii uu lab yahayba.

Sidaas darteed, haddii uu yeeluhu keli yahay, falkuna waa inuu ku tiro noqdaa oo uu keli noqdaa. Tusaale: waxaad oran kartaa, “Jarmalka iyo Faransiisku waxay diideen qorshaha dagaalka ee Maraykanku uu Ciraaq ku weeraray.” Hase ahaatee, ma oran karaysid, “Jarmalku waxay diideen qorshaha dagaalka ee Maraykanku uu Ciraaq ku weeraray.” Waxaa qumman in la yiraahdo: “Jarmalku wuxuu diidey…” kolka uu yeeluhu wadar yahay sida Jarmalka iyo Faransiiska, falkuna wuu wadaroobayaa, wuxuuna noqonayaa ‘diideen’, haddiise uu keli yahay waa inuu ‘diidey’ noqdaa.

1 Waxa uu tuducani ku jiraa gabay uu Cismaan u tiriyey gabayaagii weynaa ee ay walaalaha ahaayeen: Samatar Baxnaan mar uu Samatar dumaaley laba dumar ah oo, dhaqan ahaan, aanu dumaashooda lahayn.

Xeerka caynkaas ah ayay maalin walba weriyeyaasha qaarkood ka tallaabsadaan. Waxaynu maqalnaa iyaga oo leh, “Dalka Ruushku waxay sheegeen…!” ama “Jamciyadda Quruumuhu waxay yiraahdeen…!” ‘Dalka Ruushku’ waa keli, sidaas darteed falka ah ‘sheegeen’ ma uu qaadan karo. Sidoo kale, ‘Jamciyadda Quruumuhu’ iyaduna waa keli, sidaas darteed falka ah ‘yiraahdeen’ ma uu qaadan karo. Waxaa, naxwe ahaan, hagaagsan in la yiraahdo, ‘Dalka Ruushku wuxuu sheegay’ iyo ‘Jamciyadda Quruumuhu waxay tiri.’ Waxaa iyaduna sax ah inaad tiraahdo, ‘Qarammada Midoobey waxay yiraahdeen…’ maxaa yeelay falku wuxuu waafaqsan yahay yeelaha oo wadar ah: ‘Qarammada Midoobey.’

7. Laba qof (-ood): Waayadan gefaf-naxweedka af-Soomaaliga dhexdiisa caanka ku noqday waxaa ka mid ah wadaraynta erayga qof; taas oo ka soo horjeedda xeer la yaqaan, kuna saabsan hababka kooxaynta magcyada oo si fudud la isaga dhaadhicin karo. Magacu haddii uu dheddig yahay oo tiro laga horraysiiyo waxa uu wadar noqdaa markii (-ood) gadaal laga raaciyo sida;

1. kab (-ta): 4 kabood
2. doc (-da) : 3 docood
3. mag (-ta): 10 magood
4. seef (-ta): 50 seefood
5. beer (-ta): 15 beerood
6. meel (-sha): 11 meelood
7. beel (-sha): 12 beelood
8. xeeb (-ta): 60 xeebood

Haddiise uu magacu lab yahay, hal-alanlena yahay oo tiro laga horraysiiyo ma wadaroobo. Sida uu kelida ku yahay ayuu, markii uu hal ka batona, iska ahaadaa sida:

1. bog (-a): 2 bog
2. tol (-ka): 3 tol
3. kol (-ka): 4 kol
4. col (-ka): 5 col
5. hog (-a): 6 hog
6. qol (-ka): 7 qol
7. god (-ka): 8 god
8. qof (-ka): 9 qof
9. qod (-ka): 10 qod
10. reer (-ka): 11 reer
11. tog (-a): 12 tog.

Sidaas daraaddeed, erayga qof haddii tiro laga horraysiiyo isma beddalo oo wadar ma noqdo, maxaa yeelay waa magac, cayn-naxweed ahaan, lab ah.

Dulucda xeerku waxay tahay: in la yiraahdo laba qofood iyo 100 qofood toonihi ma bannaana, maxaa yeelay, naxwe ahaan, waa qalad.

Inahaas ayaan ku deynayaa gefafka ugu muuqa dheer ee ku saabsan xagga macnaha erayada iyo naxwaha af-Soomaaliga. Waa gefafka dharaar walba weriyeyaasha idaacadaha qaarkood aynu ka maqalno, kolka ay wararka iyo warbixinnada inoo soo tebinayaan. Siday ila tahayna, tusaaleyaashii aan soo taxay waxa ay tilmaan inaga siin karaan xaddiga ay gefafkaasi leeyihiin iyo sida, haddii aan la iska hagaajin, timaaddada afkeenna ay ugu yeelan karaan saamayn aan wanaagsanayn.

D. Gebaggabo:

Bilawga qoraalkan sidii aan ku soo xusnay, af-Soomaaligu waa af hodon ah oo, murtida ballaaran ee uu xanbaarsan yahay darteed, mudan in la ilaaliyo oo dadka ku hadlaa ay xil dheeraad ah iska saaraan. Waa af wax weyn ku kordhin kara suugaanta caalamiga ah ee lagu dhaato, waase haddii uu helo aqoonyahanno u kaca oo maansadiisa quruxda badan dunida u bandhiga. Intaba waxaa igala sii weyn, waa tiirka ugu weyn tiirarka ummadnimo ee isku haya Soomaalida Geeska Afrika ay iniba meel kaga nooshahay.

Sidaas darteed, daryeelkiisu waa xil culus oo, guud ahaan, ina saaran haddaynu nahay Soomaalida waayadan nool. Hase ahaatee, xilligan qaran-jabku uu Soomaalida ku socdo, xilkaas isaga ah looma sinna. Intiisa badan wuxuu dusha ka saaran yahay qoreyaasha, warfidiyeennada iyo dhammaan inta ay hawshoodu tahay inay afkaas kula xiriiraan ummadda ku hadasha.

Maantadan la joogo marka la isa sii kala reebo, warfidiyeenka idaacadaha ka hadla ayaa xilkaas weyn u sii aano ah. Isaga ayuu dadweynuhu maalin walba dhegeystaa. Isaga ayay dhallinyaradu ku dayataa, una haysataa dadka intiisa kale inuu afka ka badiyo. Isaga ayaa bulshada dhexdeeda erayo qaldan ka hirgelin kara, kuwo hagaagsanna dhegeysteyaasha dibnaha ugu tiri kara. Isaga ayaa macaanka afka soo bandhigi kara oo ina jeclaysiin kara, isaga ayaana ka dhigi kara wax aan dhegtu u hiloobin oo afafka kale ay ka door-biddo. Si uu, haddaba u guto, daryeelka afka xilka ka saaran, kolka horeba, waa inuu aqoonsadaa inuu leeyahay awoodda xaddigaas leh. Taasina waxay horseedaysaa inuu u fiirsado afka uu ku hadlaayo iyo tayada weedha uu tebinaayo. Waa inuu hubiyaa erayada uu adeegsanayaa inay, jirrid ahaan, af-Soomaaliga sal ku leeyihiin, oraahda uu ku tiraabayaana ay u dhisan tahay hab waafaqsan xeerarka naxwe ee uu leeyahay.

Taasna wuxuu weriyuhu ku gaari karaa isaga oo, siday ila tahay, raaca talooyinkan soo socda ee aan ku wado inay ka kaalmayn karaan gudashada waajibka culus ee aan carrabka ku soo dhuftay:

1. Waa inuu garawsadaa af-Soomaaligu, intiisa badan, inuu ka soo jeedo bulsho reer-miyi ah oo xoolo-raacato ah, hiddaheeda iyo afkeeduna ay isku xiran yihiin.

2. Waa inuu barasho joogto ah ugu jiraa taariikhda dhaqanka bulshada iyo macnaha erayada furaha u ah.

3. In kastoo aanu weli dhab u kala miirmin, haddana waa inuu aqoonsadaa inay jiraan af rasmi ah oo qoraalka iyo warbaahinta ku wanaagsan iyo ‘af suuq’ in xaafadaha lagaga hadlo mooyaane, aan idaacadaha iyo wargeysyada ku habboonayn. Afkaas rasmiga ahi wuu abuurmay, maantana wuu jiraa oo waa midka aynu haddaba wax ku qorno. Gefafba ha ka buuxeene, waa afka aynu ku aragno warbaahinta qoran iyo midda layska arko, isla markaasna aynu ka maqalno idaacadaha af-Soomaaliga wax inoogu soo tebiya.

4. Inta aanu adeegsan waa inuu u dhabbe-galaa abtirsiimada erayada (etymology) iyo kuwa uu isku beddalan karo ee isku sida uu u adeegsan karo (synonymous).

5. Si uu carrabkiisa u soofeeyo, adeegsiga erayada habboonna uu ugu carbiyo, weriyuhu waa inuu ku dedaalaa macaansiga dhaxalka suugaaneed ee ummadda oo weliba uu kor ka qaybaa maansadii hore ee Soomaalida inta ugu badan ee uu kari karo.

6. Waa inuu bartaa naxwaha af-Soomaaliga oo, shisheeyeba ha u badnaadee, wax badan laga qoray laga soo bilaabo 1903dii ilaa 1999kii.

7. Sidoo kale, waa inuu wax badan ka ogaadaa eraybixintii afka ku soo korodhay tan iyo intii la qoray (1972) ilaa tii lagu soo saaray shirkii eraybixinta af-Soomaaliga ee Jabbuuti ka dhacay sannadkan (Maarso – Mey 2002da).

8. Ugu dambaysta, waxaan ku talin lahaa hay’adaha ama idaacadaha kala duwan ee wararkooda af-Soomaaliga ku baahiyaa inay daryeelka afka qaybtooda ka qaataan oo, markii muddo la joogoba, ay abaabulaan aqoon-isweydaarsi weriyeyaasha u shaqeeyaa ay ku kulmaan; wixii gefaf loo arkona lagu hagaajiyo 2. Birmingham (England); Nofembar, 2002 idaajaa21@hotmail.com

2 Raadraaca qoraalkan lagala tashaday:

1. B. W. Andrzejewski iyo I. M. Lewis (1964): Somali Poetry, Oxford University Press, London.
2. Yaasiin C. Keenadiid (1984): Qaamuuska Af-Soomaaliga, Firenze: E. Ariani/L’arte della stampa.
3. Shire Jaamac Axmed (1976): Naxwaha Af-Soomaaliga, Muqdisho, Akademiyada Dhaqanka.
4. Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli: Barashada Naxwaha Af-Soomaaliga, HAAN Associates Publishing, London 1999.

Hab-Qoraalka Sheekada Gaaban

JAMHUURIYADDA DIMOQRAADIGA SOOMAALIYA

Akademiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta

Sheekada Gaaban

Cabdiraxmaan Cumar Warsame “Feegaar”

Daabacaaddil u horreysay — 1983

Buuggan lama daabaci karo lamana beddeli karo iyadoo aan hay’adda ka mas’uulka ah iyo Qoraha lagala tashan.

Waxaa lagu daabacay Wakaaladda Madbacadda Qaranka

 

TUSMADA BUUGGA

Mahadnaq
Hordhac
Waa Maxay Suugaantu?
Heerarka Tiraabta
Sheekada Gaaban
Noofalka iyo Sheekada Gaaban
Jaangoynta Sheekada
Xubnaha Sheekada Gaaban
Hagidda Sheekada
Mayd Socda (Sheeko Gaaban)
Sheekooyinka Gaagaaban ee Soomaalida
Erey-Iftiimis
Buug-Kaashi

MAHADNAQ

Waxaan halkaan mahad ballaaran ugu hayaa saaxiibkay Xasan Maxamad Jaamac oo taladiisu ayan qoraalka buuggan ka maqnayn; Axmed Cumar Warsame iyo afadiisa, Sucuuda Saalim Muxsin oo xagga garaacidda buugga aan loogu tegin. Ma halmaasani asxaabtayda kale oo aanan magacyadooda halkaan ku soo koobi karin oo gacan doora ku lahaa talo-bixinta buuggaan.

HORDHAC

Buuggan guud ahaan wuxuu dulmarayaa suugaanta iyo qaybaheeda, dabadeed uga weecanayaa habka qoraalka sheekada gaaban. Wuxuu buuggu si ballaaran u dhex gelayaa xubnaha sheekada gaaban iyo taariikhdii ay soo martay.

Waxaa kaloo buugga ku daabacan sheeko gaaban oo aad u xiiso badan. Sheekadaas oo tilmaan wacan u noqonaysa hab-qoraalka sheekada gaaban, waxay muujinaysaa xubnaha caanka ah ee ay ka asaasmaan qoraallada male-awaalka ahi.

Waxaan filayaa inuusan buuggan ku hungoobi doonin ruuxii dareen suugaameed leh ama qofkii jecel inuu qoraa sheekada gaaban mustaqbalka noqdo.

Qoraha

WAA MAXAY SUUGAANTU?

Inta aynaan ku dhex dhicin heerarka sheekada gaaban, bal waa inaan wax ka niraahnaa jaangooyada guud ee noocyada kala geddisan ee suugaanta. Waa maxay suugaantu? Jawaabta su’aashaasi waxaa ka taagnaa muran iyo dood muddo dheer dhex tiil qorayaasha iyo suugaanyahannada ilaa qarniyaal badan. Qoraa walba ama gabyaa walba wuxuu madaddaaliye ka ahaa qarnigiisa, qarni walbana si u gooni ah ayuu suugaanta u macnayn jiray. Marka, aynana, innagoo wax ku qaybsanayna macnaha uu qarnigeennu suugaanta u hayo, waxaa lagu qeexaa inay tahay: farshaxannimo qoraal oo soo bandhigaysa nooc waaya-aragnimo oo kuu sawiraya nolosha markaa jidha ama mid la soo dhaafay. Waa qoraaga soo-ifbixintiisa waayo-aragnimo run ah ama mid la maleeyey. Haddii si kale loo yiraahdo, suugaantu waa dhigaalka ama kaydka xiisaha faneed ee bani-Aadamka, kaasoo wax ka sheegaya rajooyinkooda, riyooyinkooda, dhibaatooyinkooda, horumarkooda, dibudhacooda iyo wixii la mid ah.

Akhriska suugaanta faa’iidooyin badan baynu ka dheefnaa. Waa marka hore ee, waa madaddaalo dareenkeenna sabaalisa. Waa marka labaad eh, waxaynu xal uga hellaa dhibaatooyin ina soo food saara oo laga yaabo inay haystaan dadka aynu buuggaas suugaameed kula kulmayno oo ku saabsan yahay. Waxay suugaantu ina illowsiin kartaa ama ina ka sii jeedin kartaa fakar mushkilado inaku furraa. Waxay suugaantu ina bartaa dad qafaad, dalal, dhaqammo, caadooyin iyo degaammo kuweenna ka geddisan oo laga yaabo inay akhristaha xiiso geliyaan. Xiisaha suugaameed waa mid waqtiga isla baddala. Waxaa laga yaabaa in xiisaha markaan riwaayadaha loo qabo ay qarni dabadi isbeddesho.

Guud ahaan waxaa suugaanta loo kala qoqobaa labo heerar oo waaweyn — maanso (tix) iyo tiraab.

Tiraabtu waa afka caadiga ah oo hadaleed ama qoraal, kaasoo ka xor ah miisaanka ama ridmada iyo cod-boqorka ay maansadu ku caan baxday. Tiraabtu waxay leedahay hannaan iyo dhismo qoraal. Dhismaha qoraalku wuxuu jaangooyaa ama habeeyaa kala hormarinta fikradaha iyo aaraa’da dulucda qoraalkaas.

Haddaan dhanka kale ka eegno, maansada oo qeexdimo badan leh, waxaa laysku raacsan yahay inay leedahay tilmaamo sugan ee gaar ah oo kala ah: fikrad, sawirasho, dareen-kac, miisaan iyo cod-dheer oo maansadeenna Soomaaliyeed ku caan baxday.

Akhristuhu wuxuu maansada ku raaxaystaa ama uu dhadhansadaa markay dareemayaashiisu u digtoon yihiin inay gabyaaga dareenkiisa wax la qaybsadaan, dulucda fikradda, tixdana fahmaan. Haddii si kale loo yiraahdo, waa inuu akhristuhu dhuuxaa dulucda fikradda u udub-dhexaadka ah; waa inuu arkaa sawirka ama hummaaga uu gabyaagu sawirtay markuu tixdaas curinayey; waa inuu dareemaa shucuurta iyo qamandhacada abwaanka tixdaas; waa inuu cabbiraa miisaanka iyo isu-dheellitirka allanayaasha iyo meerisyada tixdaas.

Si aad loogu darso tilmaamaha kala qoqobay labadaas qaybood ee suugaameed, waxaa loo baahan yahay in si cilmi ah aad looga baaraandego, loona kala dhigdhigo.

HEERARKA TIRAABTA

Noocyo dhawr ah oo kala jira ayaa ku abtirsaday dhanka tiraabta suugaameed. Nooc walba wuxuu leeyahay dhismo gaar ah oo ka sooca kuwa kale ooy isku bahda yihiin. Farqiga ugu weyn oo kala saara jaadadka tiraabeed waxaa keena dhererka dhitada; nooca dhacdada, fagaaraha, dulucda, jilayaasha iyo wixi la mida.

Curinta tiraabtu wey ka sahlan tahay tan maansada waayo wey ka madax bannaan tahay dabarrada ku xiran maansada sida miisaanka iyo cod-boqorka.

Tiraabta suugaameed waxaa loo kala qaybiyaa: riwaayado, mala-awaal iyo jiraal. Mala-awaalka waxaa hoos yimaada noofalka, roomansiga, sheekada gaaban, sheeko-baraleyda, Jiraalka waxaa isna hoos yimaada maqaalka, taariikhda, qof-ka-hadalka iyo sheekooyinka safarka. Waxaan halkaan ku kala saaraynaa noocyadaas tiraabta suugameed ah:

Noofalka: Waa nooc tiraabeed oo mala-awaal, lehna dherer boqol bog ka kaca ilaa intuu gaaro. Noofalku wuxuu sheeko ahaan ku soo bandhigaa waayo-aragnimo ku salaysan nolosha jidha ama nooc kasta oo hab-nololeed ah. Noofalku wuxuu ahaa nooca ugu caansanaa qoraallada tiraabta suugaameed waayo badan, waxaadse mooddaa in waayadan dambe sheekada gaaban laga door biday.

Wuxuu noofalku sheekadiisa ina ku dareensiiyaa afcaal, dhacdooyin, dad, meelo iyo xaalado kala duwan si uu kuugu sawiro hab-nololeed bulsho ama jiraal kale oo dabiici ah. Qisooyinka noofalku waa mala-awaal suurogal ah oo ka afcelinaya hab-nololeedkaas bulsho iyo waayo-aragnimadeeda.

Roomansi: Waa nooc tiraabeed oo dherer ahaan noofalka u dhiganta, soona bandhigta mala-awaal saadaal ah. Waxay dulucda qisadeedu ku salaysan tahay waayo-aragnimo saadaal ama tuhun ah oo aan aadanuhu soo marin. Buugga la yiraahdo “Dagaalkii Labaad ee Adduunmaha” ee uu dhawaan qoray ninka Maraykanka ah ee loogu yeero Joorji H. Smiid ayaa tusaale wacan u ah noocaan tiraabeed. Qoraagaasu wuxuu qoraalkiisa ku soo bandhigayaa waayo-aragnimo tuhun ah ee ay saadaaliyeen culumo xiddigisyahanno ah. Wuxuu buuggaasi ku saabsan yahay dagaal ay adduunkeenna iyo meeraha afaraad ee bah-cadceedeedka loo yaqaan Maaris quruun ku dhaqani ay isaga horyimaadeen.

Sheekada Gaaban: Waa jaad tiraabeed oo mala-awaal ah oo ilaa boqol bog dherer ah gaadha. Sheekada gaabani way ka sahlan tahay noofalka xagga dhismaha. Dhererka iyo dhismaha ka sokow, sheekada gaabani waxay noofalka uga geddisan tahay iyadoo ka hadasha hal mardhac, jilayaasheeduna ay ka kooban yihiin kuwa noocyada kale ooy isku bahda yihiin.

Qof-ka-Hadal: Waa jaad tiraabeed oo ka da’ weyn noocyada kale ee tiraabta. Waxaa Qur’aanka ka buuxa qof-ka-hadallo anbiyadii ku saabsan, waxayse tiraabta noocan ahi si fiican uga bilaabatay carriga Ingiriiska qarnigii 17aad. Qof-ka-hadalka oo aalaaba jiraal ahi, wuxuu ka hadlaa nolol qofeed wuxuuna culayska saaraa ifbaxdimihii ugu xiiso badnaa qofkaas uu ka hadlayo noloshiisa iyo sidii qofkaasi uga samato baxay dhadhaabbadii socodkiisa nololeed ka hor yimid, haddiiba ay jireen. Waxaa qof-ka-hadalka hoos yimaada nooc kale oo tiraabeed ooy isku abtirsadaan oo ‘iskahadal’ loo yaqaan, kaasoo uu qofku isaga hadlayo taariikhdiisii.

Taariikh: Waa tiraab jiraal ah oo qeexaysa xaqaa’iqa dhacdooyin la soo dhaafay. Dhan kale haddaan ka eegno, taariikhdu waa xog kayd ah oo ka hartay waxqabadkii iyo facaayilkii aadanaha.

Socdaal: Waa nooc suugaaneed oo isna qoraallada tiraabta lagu tiriyo, jiraalna ah. Tiraabta noocaan ehi waxay wax ka qortaa safarro, sahammo, dalxiisyo, ama socdaallo ay dad sameeyeen iyo waxay kala kulmeen. Jiraalkaan tiraabeed wuxuu sawiraa dalal, dad,
dhaqammo, degaammo, cimilooyin, caadooyin iyo hab-nololeedyo ka fog kana geddisan kuwa akhristaha.

Riwaayad: Iyana waa jaad tiraabeed oo aan jiraal iyo male-awaal midna ka marnayn, dulucda sheekadeedana ku soo bandhigta jiriibban ama googoosi hadal oo dhex mara jilayaasheeda. Waxay kaga duwan tahay noocyada kale ee tiraabeed iyadoo aan lahayn faallooyin dhaadheer oo uu qoraagu toos u tebinayo. Jilayaasha riwaayadda ayaa dulucdii sheekada codkooda iyo afcaashooda ku soo gudbinaya.

Maqaal: Waa jiraal suugaaneed oo faallo aan dheerayn ka qora bulshada, dhaqankeeda, nolosheeda iyo wixii la xiriira. Maqaalka waxaa loo kala qaybiyaa mid bayrsan iyo mid baahsan.

Maqaalka bayrsani wuxuu ka afceliyaa aragtida iyo fikradaha uu qoraagiisu ka qabo wax uu ku hawlan yahay oo uu wax ka qorayo. Qoraalka maqaalka bayrsan wuxuu qoraagu u cuskadaa sida uu isagu u arko ama wuxuu isagu qof ahaan ka qabo xaaladdaas bulsho oo uu wax ka qorayo.

Maqaalka baahsani si guud oo ka baxsan aragtida gaar oo qof ahaaneed, ayuu uga hadlaa mowduuciisa.

Jaadadkaas tiraabeed oo dhammi waxay leeyihiin habab qoraal oo kala geddisan. Qayb walba waxay leedahay dhismo iyo sharciyo u gaara oo ka soocaya kuwa kale. Farshaxannimo qoraal oo kala duwan ayaa loo kala adeegsadaa. Qaybta inoo ka dihin buuggan waxaan uga hadlaynaa hab-qoraalka sheekada gaaban.

SHEEKADA GAABAN

Taariikhda sheekada gaaban iyo waqtigii ay bilaabatay weli waa wax shaki ku jira, waxayse runtu tahay inay ka soo shaac baxday dhaqammo aan suugaantoodu qorrayn ee afka uun ku ekaa. Sheekooyin qoran oo ku siman ilaa dhalashadii Nebi Ciise ka hor ayaa laga helaa Baybalka Cahdigii Hore. Sidoo kale waxaa sheekooyin waqtigoodu fog yahay laga helaa kutubka jaamaca ah ee Qur’aanka.

Sheekooyinku, xiisihii loo qabay dartiis, ayey jiiteen dhugmadii dadka qarni kasta ama bulsho kasta ha ku jireen ee. ilbaxnimada ka hor waxay dadkii hore isugu soo ururi jireen dabshidyada xaafadahooda, waxayna iska marti gelin jireen sheekooyin la xiriira waayo-aragnimadooda maalmeed, ha ahaato sidii midkood ugaar u soo dishey ama sidii midkood libaax ay is-haleeleen uu uga adkaaday. Casrigeennan cusub waxaynu isku maaweelinnaa filimmada, raadiyaha, iyo telefishinnada, kuwaasoo ina tusaya ama inoo sheegaya nooc sheeko, haba ka casrisanaadeen noocyadii hore ee sheeko-tebinta ee.

Jacaylka iyo xiisaha ay bani-Aadamku u qabeen sheeko-tebinta iyo dhegaysigeeda, waxay keentay caanbixiddii sheekada gaaban. Ninkii ugu horreeyay oo qiimaha ay sheekada gaabani leedahay iyo kaalinta ay kaga jirto suugaanta magoogasho sharxaa, wuxuu ahaa qoraa Maraykan ah oo la oran jirey Edgar Alan Boo.

Sheekada gaabani waa nooc tiraabeed oo mala-awaal ah. Waa nooca ugu sahlan suugaanta magoogasho xagga dhismaha iyo dhererkaba. Akhristayaashu sheekada gaaban ayey ka door bidaan noocyada kale ee male-awaalka, waayo wey ka dhib yar tahay xagga fahamka iyo dareen-jiidadkaba. Haddaan sheekada gaaban dhinac dhigno noofalka waxaan dareemaynaa in sawiraaddeedu ka sahlan tahay kana bayaansan tahay tan noofalka. Tirada jilayaasha, dhacdooyinka, degaamada iyo muddooyinka sheekada gaabani wey ka xaddidan yihiin.

Sheekada gaabani waxay dooxdaa dhacdo weyn oo, aalaaba, ay dulucdeedu ku saabsan tahay iska-hor-imaad arbaha sheekada iyo koox kale oo ka dhan ah oo lagu magacaabo xumaanley.

Waxay sheekada gaabani fiiro gaar ah siisaa arbaha sheekada, facaayilkiisa, xiisihiisa, waxayna ku dhammaataa guulaysigiisa ama guuldarradiisa, kamana bixi karto sawirrada dhacdadaas iyo wixii la xiriira. Arbaha sheekada gaabani wuxuu kale oo halkan kula jiri karaa waxyaalo kale oo dahsoon sida dabeecadda, dareenkiisa, dareen kale iyo wixi la mida.

Qoraaga sheekada gaabani uma yeelo arbaha ama qalanjada sheekadiisa tilmaamo ama camallo murgin kara ama dheerayn kara dhismaha sheekada. Ujeeddooyinka qoraaga sheekadu, dherer kastaba ha yeelatee, waa inuu akhristaha tuso, maqashiiyo oo dareensiiyo waayo-aragnimo nololeed oo sheekadu xambaarsan tahay; ha yeeshee waayo-aragnimada sheekada gaabani gudbinaysaa way xaddidan tahay.

Haba ka xaddidnaato xagga jilayaasha iyo tilmaamahooda, dhacdooyinka, macnaha iyo deggaamadaba ee, sheekada gaabani waa qormo dhan oo midaysan oo leh bilow, dhex iyo dhammaad, gudbinaysana macne sugan. Xubin walba oo sheekada ka mid ihi waxay la haysataa xubnaha dhismo ee sheekada intooda kale.

Kaaral Gaarbo oo ahaa nin Maraykan ahi wuxuu sheekooyinka u kala qaybiyey shan jaad oo kala duwan — sheeko fal, sheeko jile, sheeko fagaare, sheeko fikrad, sheeko dareengujis. Sheeko walba oo kuwaas ka mid ahi, waxaa dulucdeedu xoogga saartaa xubinta sheeko oo la xiriirta iyadoo ayan xubnaha kalena ka marnayn ee ay dhammaystir u yihiin. Haddii si kale loo yiraahdo, sheekada gaabani isku si uma danayso xubnaheeda. Waxaa dhacda in mid xubnahaas ka mid ah, ka soo qaad jilaha, ay sheekadu himmad iyo fiiro gaara siiso, kuwa kalena ay dul-mar guud ku samayso iyadoo aan ku dheeraan. Tixgelinta xubineed waxay ku timaaddaa iyadoo qoraalka lagu celceliyo xubintaas ama iyadoo lagu qeexo oraaho xusuus leh oo dareenka akhristaha jiita.

Qoraaga xariifka ahi, xubin kastaba ha tixgeliyee ama ha culaysiyee, wuxuu sheekadiisa u soo bandhigaa si akhristaha xiisihiisa kicisa. Wuxuu khasbadaa oo hoggaan ku qabsadaa xiska ama dhugta iyo dareenka akhristaha. Wuxuu kiciyaa oo dhaqaajiyaa dareenka akhristaha isagoo u adeegsanaya hannaanka iyo dulucda qoraalkiisa. Si uu ujeeddadaas u gaaro, waa inuu qoraagu sheekada ka haqabtiraa ammuuro iyo shakhsiyaad isku liddi ah ama iska soo horjeeda sida naxdin iyo madaddaalo, jacayl iyo naceyb, caro iyo farax, samaanley iyo xumaanley iyo wixi la mida. Qoraa walba tixraac, tabihiisa iyo farshaxannimodiisa qoraal ayay ku xiran tahay dhadhanka iyo xiisada sheekadiisu.

Tixraac: Better Reading Two: Literature p. 339 (USA 1961) ooy qoreen Blair, Gerber iyo Eugene.

NOOFALKA IYO SHEEKADA GAABAN

Noofalka iyo sheekada gaaban oo ah kuwa ugu caansan qormooyinka mala-awaalka ah, waxay wadaagaan tilmaamo dhawr ah, kuwa kalana way ku kala geddisan yihiin; labaduba waxay soo bandhigayaan sheeko mala-awaal ah oo ka afcelinaysa waayo-aragnimo nololeed. Ujeeddada labadaba loo curiyaa waa madaddaalo, tusaalayn, waano, farqiga ugu weyn ee noofalka iyo sheekada gaabani, waxay ka yimaadeen xagga dhererka iyo dhismaha afkaarta qoraalkaas. Dadka qaarkood waxay u haystaan in sheekada gaabani ay tahay noofal la soo koobay oo cufan, ha yeeshee, wax u dhaw ama lagu suurayn karo ma aha. Waayo-aragnimada nololeed oo noofalku soo bandhigayo waa mid baahsan oo leh dhacdooyin iska feer dhalanaya oo isgees orda oo uu akhristuhu ka dhex garan waayo dhacdada salka ah oo raadreebka yeelan doonta iyo kuwa gogol dhigga ah ilaa gabagaba danbe ee qoraalkaas. Dhacdooyinkaas isfeer orda, midiba waxay leedahay xubnaheeda (jilayaal, deggaan, duluc iyo wixi la mida) u gaar ah. Jilayaasha noofalka waxaa loogu yaboohaa tilmaamo ama sifooyin iyo camallo badan oo hoggaamiya kuwaas oo wax ku kordhiya bandhigidda iyo balballaarinta sheekada noofalka.

Haddaan dhanka sheekada gaaban u leexanno, waxay dhugmadeeda ku koobtaa hal ama dhawr jilo oo ku amar-ku-taagleeya dhacdada aan la labayn oo sheekada gaabani soo bandhigto. Waxa jilaha sheekada gaaban laga ilaashadaa tilmaamo badan oo murgin kara socodka dhacdada sheekada.

Hadal iyo dhammaan sheekada gaabani way ka caansan tahay qormooyinka kale ee suugaaneed oo male-awaalka ku abtirsada, taasoo ay keentay sahlanaanta fahamkeeda iyo dhismaheeda.

JAANGOYNTA SHEEKADA

Marka uu qoraa curinayo qormo suugaanta magoogashada ah, horta aad buu uga baaraan degaa dulucdeeda, dabadeedna qormadaas buu kala dhigdhigaa, kala qaybiyaa, Isku xiriiriyaa oo u soo bandhigaa si ay fikrad maangal ah oo macne gudbinaysa u noqoto.
Marka uu injineer doonayo inuu bilaabo dhisme cusub, wuxuu diyaarsadaa shaxan dhismaha uu damacsan yahay suuradiisa leh oo lagu magacaabo daabac-buluug. Shaxankaas ayaa injineerka hoggaamiya oo uu ka fiirsadaa qaabka qolalka iyo qorshaha guud oo uu dhismahaas la damacsan yahay.

Sidaas oo kale, qoraagu wuxuu diyaarsadaa qorshe iyo hoggaan haga markuu qoraalkiisa bilaabayo. Qorshahaas oo uu qormadiisa ugu kala qaybiyo waaxo, cutubyo, curisyo iyo curis-dhalaamo, waxaa lagu magacaabaa jaangoynta sheekada. Jaangoyntaas waxay tiirar adag ama qalfoofba u tahay dhismaha iyo kala hormarinta qoraalka sheekadaas.

Jaangoynta sheekadu waxay u baahan tahay fakar aad ah iyo feejignaan lagu kala meeleeyo afkaarta dulucdeeda. Haddii uu qoraagu bilaabo qoraalkiisa isagoo aan marka hore jaangoynin, wuxuu ku haftaa kala meelaynta afkaarta dulucda sheekadaas ku jirta, taasoo keenta in qoraalkii uu noqdo wax aan dhadhan iyo xiiso toona lahayn.

Tallaabada ugu horreysa ee jaangoynta sheekadu waa weedh sugan oo ku salaysan dulucda qoraalka. Weedhaas ayuu qoraagu u kala jajabiyaa dhacdooyin yar yar oo loo kala hormariyo si suurogal ah. Dhacdooyinkii buu misana u sii kala qaadaa fikradaha ay middood walba ka kooban tahay. Qaybahaas loo kala jejebiyey weedhaas guud, ayaa qoraaga hoggaamiya markuu qoraalkiisa bilaabayo. Qaybahaas waxaa ka dhexeeya xiriir taxan, waxayna go’aamiyaan inta qoraalkaas hordhac noqonaysa iyo inta gabagabo noqonaysa.

Marka uu qoraagu jaangoynayo nooc kasta oo male-awaal ah wuxuu dhibaato kala kulmaa siduu isugu habayn lahaa. Wuxuu haddaba dhibaatadaas furfuriddeeda u adeegsadaa saddex habaynood oo kala jaad ah, kuwaas oo kala ah: Habaynta filka, habaynta meelaynta, iyo habaynta suurogalnimada.

Habaynta filku waxay qoraalkaas u kala hormarisaa siday u kala fil weyn yihiin, siduu u yeesho xiriir macne oo taxan. Dhacdaba tii ay ka hor dhacday bay ka hor qorantaa iyadoo xiriir la leh tii ka horreysay iyo tii ka dambaysayba. Xataa weedhahu waxay u kala hor qormayaan siday u kala fil weyn yihiin. Bal u fiirso curiskaan sida weedhihiisu u kala hormareen:

“Hurdo ayaan iska dareemay, daal-maskaxeed awgiis, waxaan u luuday dhankii qolka hurdada. Geddi cad baan sariirtii isugu kala bixiyey, islamarkiiba khuuraan afka furtay.”

Haddii weedhahaan dhigmadooda laga bilaabo siday u kala danbeeyaan oo weedha u dambeysa qormada laga bilaabo wax macne iyo ujeeddo ah oo ay samaynayaan ma jirto. Haddaba qorshahaas lagu kala hormarinayo ayaa ah habaynta filka. Haddii aan rabo, bilmatal inaan ka hadlo qoys bulsho oo cusub oo dhismaya, waa inaan marka hore wax ka sheegno isbarashadii labada qof jecaylkoodii iyo arooskoodii intaanan u galin ubadkay iska dhaleen iyo waxay noloshoodu ku dambaysay.

Habaynta meelayntu waxay danaysaa xiriirkii meelaha ama degaammada ay dhacdooyinku ka curteen iyo kala durugsanaaanta waqtiyadii ay dheceen. Marka aad doonayso inaad Muqdisho waxay tahay u sheegto qof aan aqoon, kaagama filla inaad tiraahdo, “Waa caasimadda Soomaaliya.” Waa inaad sheegtaa meesha ay dalka kaga taal, waxyaalaha kale oo caanka ah oo u dhaw sida Badweynta Hindiya, iyo magaalooyinka kale oo ku meersan iyo middood walba intay u jirto. Marka aad arrintaas ku hawlan tahay waxaad carrabka ku dhufanaysaa meelo iyo degaamo aan ahayn kaad u dan leedahay hase yeeshee xiriir la leh waxaad macnaynaysay, kuwaasoo wax ku siyaadinaya waxaad doonaysay inaad gudbiso. Waxaa habaynta meelaynta loo adeegsadaa erayo meeleed sida dhaw, fog, xiga, dhexeeya, korreeya, hooseeya iyo wixi la mida. Bal u dhug yeelo curiskaan soo socda siday habaynta meelaynta raad ugu leedahay.

“Jirriiban waa degmo ka tirsan gobolka Mudug. Waxay Gaalkacyo oo ah xarunta gobolkaas u jirtaa fogaan dhan 240 mitir. Degmada waxay nolosheedu ku xiran tahay reer-guuraaga. Degmadaas oo Badda Hindiya u dhaw khayraad badeedka kama faa’iideysato.”

Meelaynta deegaan sheeko la xiriira (ka soo qaad, sida Jirriiban), oo aan caan ahayn, waxaa lagu caan bixiyaa meelo kale, oo looga aqoon badan yahay. Taas waxaad ka dareemi kartaa curiska sare oo tusaalaha habaynta meelaynta.

Habaynta suuragalnimadu waxay iyana danaysaa kala hormarinta iyo isku dubbarididda fikradda qoraalkaas suugaameed ku jira si ay u noqdaan wax maskaxda u cuntami kara oo aan gadayn maanka iyo fakarka qofka. Bal u fiirso tuducdaan:

“Axmed wuxuu Raxmo oo uu weligiis jeclaa guursaday markii aabbihiis dhashay. Wuxuuna curadkiisii u horreeyay ku curtay intayan hooyadiis qaan gaarin.”

Marka uu akhristuhu dheehdo qormadaan wuxuu isla markiiba dareemayaa iska-hor-imaadka fikradaha oy weedhahaasi xambaarsan yihiin. Sidee baa inanku u guursan karaa aabbihiis oo aan dhalan? Sidee buuse ilmo u yeelan karaa isagoo aan hooyadiis la guursan ama ayan qaangaarin? Taasi waxay ka dhigan tahay oraahdii ahayd, “Dhalaankii waalidkood dhalmada baray!” Fikraddaasi waa midaan maanka aadanaha galayn.

Haddaba si ayan fikradahaas is-diidani uga abuurmin sheekada waxaa loo adeegsadaa habayntaan iyada ah, taas oo doorta xiriirinta fikradda aan isburinaynoo taxan.
Bal markaan waxaad ka baaraan degtaa sida jaangoynta sheekadaan soo socota loogu adeegsaday habaynta aan soo sheegnay, iyo sida jaangoynta qoraalku u tahay dulucdii iyo ujeeddadii sheekadaas oo la soo koobay:

MAYD SOCDA: Sheeko Gaaban

Jaangoynta Sheekada: Sheekadu waxay ku saabsan tahay walwalkii iyo walaacii ay soo mudatay afo Caasho oo goob dagaal looga soo wariyey dhimashadii ninkeeda.
I. Xaaladdii uu qoysku ku sugnaa intaan dhimashadiisa la soo sheegin.

XUBNAHA SHEEKADA GAABAN

Xubnaha sheekada gaabani ama nooc kasta oo qoraal ahiba, waa waaxyaha ama riciraha uu dhismaheedu ka kooban yahay. Xubnahaas oo dhismo ahaan is-garabsadaa waxay sameeyaan bandhig suugaaneed oo midaysan. Waxay xubnahaasi isugu jiraan: Jilayaal, rakib, luuq, luqo, macne, raad-reeb iyo wixi la mida. Waxaan halkaan ku dhex galeynaa kuwa ugu muhimsan lana xiriira sheekada gaaban.

Rakibka: Waa kala habaynta ama rakibaadda fikradaha iyo dhacdooyinka sheekadu isku hawshay. Haddiise si kale loo yiraahdo waa isku gunudka dhacdooyinka si ay sheeko u togato figteeda dabadeedna ugu soo janjeersato gabogabadeeda iyada oo taxaysa afkaar maskaxdayadu u cuntami karta. Figta waa barta noqodka ee ay ka weecato dareenjiidashada qormadaas tiraabeed, halkaasoo uu akhristuhu ka saadaalin karo gabagabada sheekadaas; isla markaas figto waa meesha ugu xiiso badan qormadaas. Xiisaha iyo dhadhanka sheeko waxay ku xiran tahay sare-u-qaadidda figta xagga dhismaha sheekada.

Sheekada gaabani oo nooca ugu sahlan qormooyinka male-awaalka ahi waxay leedahay hab sahlan ooy isu rakibto. Waxaa rakibkeedu ku salaysan yahay halka mar-dhac oo ugu weyn kaasoo ay kaaliyaan dhacdooyinka yaryar, haddiiba ay jiraan. Haddaan si kale u eegno mardhacaasi wuxuu sheekada u yahay lafdhabar, dhacdooyinka kale oo yaryarina waxay u taagan yihiin addimihii sheekada. Ma jiraan dhacdooyin dhinac orda oo la tartama midda weyn sida noofalka, kuwaasao hadday jiri lahaayeen murgin lahaa afkaarta dulucda sheekada. Mardhacaas weyn ayaa qoraaga sheekada gaabani ku soo bandhigaa farshaxan qoraal oo midaysan oo leh bilow, dhex iyo dhammaad suuroobi kara.

Qoraaga hawshiisa xirfadda u lihi wuxuu rakibka qoraalka u habeeyaa si xiiso iyo u-muhasho leh. Wuxuu akhristihiisa ku khasbi karaa inuu u dhug iyo dhaayo lahaado qormadiisa. Wuxuu ku khasbaa inuu akhristuhu, dhacdo walba ama curis walba oo uu akhriyo badidiisa, isweydiiyo su’aasha ah: Maxaa ku xigi doona? Haddii si kale loo yiraahdo, qoraaga culusi wuxuu hawshiisa u soo bandhigaa si qoraalkaasi hoggaan ugu qabsado akhristaha oo curisba kan ku xiga ugu sii dhiibo ilaa uu ka dhammeeyo sheekadaas.

Haddaan u leexanno sheekada Mayd Socda rakibkeedu aad buu u sahlan yahay una cad yahay. Afo saygeedii dagaal loo diray ayaa dhimashadiisa loo soo warinayaa. Waxay mudanaysaa walwalkii, walaacii iyo dhibkii loo yiqiin agoonley dhimashada ninkeedu ku cusub tahay. Siday caadada Soomaaliyeed ahaydba waxay isu diyaarinaysaa in dumaashigeed dumaalo. Rakibka sheekadu markaas ayuu figtiisii ugu sarraysay gaarayaa, sheekada inteeda kale oo ka hadlaysa imaatinkii Xirsi oo dhimashadiisa la haystay iyo isku- burburiddii qoysku waxay noqonaysaa gabagabada rakibka sheekada. Halkaas ayaa xaaladdu caadigeedii hore ugu noqonaysaa.

Jilayaasha: Shakhsiyadda magoogasho waa dadka jilaya ama ay sheekadaasi ku socoto. Waa ciidanka sheekadu ku tiirsan tahay oo aan la’aantood la soo bandhigi karin. Haddii dhan kale laga eego waa dadka haya socodka sheekada oo ay facaayilkooda ku horumarto. Shakhsiyaadkaas loo adeegsaday qormooyinka male-awaalka ah waxaa loo yeelaa qaybna ka qaadanaya bandhigista waayo-aragnimada ay qormadaasi gudbinayso. Dabeecadaha jilaha qormo tiraabeed lagu soo bandhigo waxaa laga dareemi karaa facaayilkiisa, biriirta wajigiisa, hadalkiisa, jecaylkiisa, necaybkiisa iyo wixi la mida. Dabeecaddaasi ama sifooyinkiisa oo dhami waxay inoo muujinayaan shakhsigaasi dad noocuu ka yahay sida tuug, geesi, deeqsi, xaasid, qabiid iyo wixi la mida.

Shakhsiyayntu waa arrin aan looga maarmin curinta suugaanta. Haddii aan dib u dheehanno macnayaasha kala geddisan oo erayga suugaan loo asteeyay waxaan dareymaynaa in macnayaashaasi ay ku wada salaysan yihiin nolosha aadanaha iyo waayo-aragnimadooda, sidaas darteed, shakhsiyayntu waa shay lagama maarmaan u ah curinta suugaanta, mar haddii ay noocyo aadanaha ka mid ah ay u taagan yihiin.

Shakhsiyeynta sheekada gaabani aad bay uga sahlan tahay kuwa qormooyinka dhaadheer ee male-awaalka. Wadnaha sheekada gaabani waa halka ama dhawrka jile oo si fiican uga muuqda dhacdada ama fagaaraha. Hal shakhsi oo madax ah ayaa loo dooraa hoggaaminta sheekada, shakhsiyaadka kale oo yaryarina haddiiba ay jiraan, waxaa loo soo bandhigaa sida ay u caan bixiyaan jilaha hormoodka u ah. Sidoo kale waxaa iyana la soo koobaa dabeecadaha loo yeelayo shakhsiga halyeyga ka ah sheekadaas. Halyeyga sheekada gaaban waxaa lagu soo bandhigaa dabeecad kaliya, taasoo hagta facaayilkiisa iyo himilooyinkiisa. Waa dabeecaddaas midda halyeyga wax jeclaysiisa waxna nebcaysiisa. Sidaan horay u soo sheegnay, sheekada gaaban waxay ku socotaa ama ku horumartaa halyeyga ama ujeeddooyinkiisa iyo xoogag kale oo noqon kara dad, dugaag ama wax dahsoon sida dareen ama dabeecadahaba, iska hor-imaadka ayey sheekada gaabani ugu gurguurataa figteeda dabadeedna guusha xoogaggaas iska soo horjeeda midkood bay sheekadu gabagabadeeda ugu soo guddoontaa.

Qoraaga sheekada gaabani uma madax bannaana inuu siduu rabo sheekadiisa u shakhsiyeeyo, sidoo kale xor uma aha in halyeyga sheekada dabeecadduu rabo siiyo. Shakhsiyeynta sheekada iyo dabeecadaynta halyaygu waxay ku xiran tahay marba nooca waayo-aragnimo oo uu qoraagu rabo inuu sheekadaas ku soo bandhigo. Qoraagu wuxuu sheekadaas u yeelaa dabeecado abaabuli kara dhacdooyin iyo xaalad ku habboon noocaas waayo-aragnimo oo uu soo bandhigayo.

Qoraaga sare wuxuu xirfad fiican u leeyahay siduu akhristayaashiisa u bari lahaa shakhsiyaadka uu abuuray oo qoraalkiisa ku soo bandhigayo. Wuxuu arrintaas u adeegsadaa isagoo u soo guuriya jalbeebsiga shakhsiyaadkaasi, isagoo ka warsheekooda himilooyinkooda iyo waxay damacsanyihiinana, isagoo soo bandhiga ra’yiga ay dadka kale ka haystaan shakhsiyaadkaas.

Shakhsiyeynta sheekada Mayd Socda waxay tusaale fiican u noqon kartaa guud ahaan tan sheekada gaaban. Waxay jilayaasheedu ka koobmaan qalanjada Caasha, saddexdeeda wiil Yuusuf, Cali iyo Mahdi, saaxiibteed Faadumo, dumaashigeed Daahir iyo ninkeeda Xirsi. Sifooyinka ama dabeecadaha loo yeelay qalanjada waa kuwa aan seegganayn ee ku bannaan sheekada. Markii loo soo weriyey dhimashada ninkeeda waxay dareenkeeda ku muujinaysaa walaac, walwal, oohin iyo beerjileec. Uma eka qof laga malaysan karo inay diyaar u tahay inay nolol iyo jecayl la qaybsato nin danbe hadday keedii hore seegtay. Haddana sheekada qaybteeda danbe waxay u muuqanaysaa inay tahay ruux samir dhaw. Dareenkeedii karayey oo uu kiciyey dhimashada ninkeeda hore waxaa shiiqiyey oo illowsiiyey sasabaddii iyo shukaansigii Daahir. Dabeecadahaasi waa kuwo qayb lixaad leh ka qaadanaya horumarka sheekada.

Jile kale oo si aad ah sheekada uga muuqda waa Mahdi oo matalaya sheekada inteeda maadda iyo qosolka leh. Inkasta oo da’diisu yar tahay, haddana jalbeebtiisu aad bay waxtar ugu leedahay sheekada. Waa inan hadal badan oo jecel inuu wax walba ogaado.
Ma jiraan dabeecado kale oo la xusi karo oo lagu soo bandhigayo jilayaasha kale ee sheekada ku jira. Jilayaasha kale oon qayb weyn ka qaadanayn horumarinta sheekada, waxaa kaliya oo loo soo bandhigayaa inay caan bixiyaan halyeyga ama garaad u noqdaan facaayilkiisa.

Deegaanka iyo Muddada: Deegaanka lagu sawiray sheekada ama meeshay sheekadaas ka dhacday ama muddaday dhacdayba waa kuwo bandhigista sheekada qayb weyn ka qaata. Marka dhanka deegaanka loo koco waxaa meesha soo galaya caadooyinkii, dhaqankii iyo hab-bulshadeedkii bulshada meeshaas ku dhaqan. Sidoo kale waxaa iyana soo galaya cimilada, ciidda, dhirta iyo kala-sarraynta dhulka ee deegaankaas. Faallooyinkaas ku saabsan deegaamaynta iyo middaynta sheekada si teel teel ayaa loogu bandhigaa sheekada iyadoo xoog la saarayo meelaha xudunta u ah dhacdooyinka sheekada. Deegaameynta iyo muddaynta sheekadu waxay xoogeeyaan suuragalnimada sheekada. Deegaamaynta waxay kale oo qayb ka qaadataa furfurista dulucda sheekada.

Fagaaraha ay sheekadu ka soo askuntay wuxuu lagama-maaraan u yahay abaabulidda ama qaabinta dhacdooyinka sheekadaa. Tusaalo aan u soo qaadanno sheekooyinka ku saabsan safarka iyo ugaarsiga kuwaasoo kobcidda dhacdooyinkooda ay ku xiran tahay fagaaraha ama deegaanka ay ka aloosmeen.

Qaabduleed, cimilada iyo ciidda fagaarahaas, waxay qayb ka qaadan karaan jaangooyada dhaqanka iyo facaayilka jilayaasha iyo guud ahaan dhacdooyinka sheekadaas. Siiba qaab-duleedka deegaan loogama maarmo furfurista dulucda sheekooyinka ku saabsan dagaalka, fakashada iyo sirdoonka, taas ayaana sal u ah sababta ay qorayaal ama madbacado badni ay buugaagtooda bogga hore ugu soo masawiraan qaabduieedka deggaan ay sheekadu ku salaysan tahay. Mararka qaarkood fagaaaraha ama degaanka sheekadu wuxuu matalaa jile, sida iska-soo-horjeedka halyeyga iyo dabeecadda.
Degaanku wuxuu dhammaystir u noqdaa rakibka sheekada iyo weliba sawiraadda jilayaasha. Wuxuu qoraagu fagaaraha sheekada u qeexi karaa si ka humaag celinaysa dadnimada iyo camalka jilayaasha sheekada. Degaanka uu jiluhu ku soo barbaaray waxay saamayn kartaa camalkiisa, dhaqankiisa, caqiidadiisa iyo himilooyinkiisaba. Akhristuhu sifaalaha degaanka sheekadu ka curtay ayuu ka sii saadaalin karaa jilaha ay barbaarin karto.

Fagaaraha sheekadu waxay kale oo dhaqaajin kartaa dareenka akhristaha. Sawirrada fagaare oo si fiican loo shaqlay ama loo xayeysiiyey waxay xantaxantaynaysaa dareemaha fanka iyo quruxda, kaasoo ay suugaanyahannadu ku magacaabeen dareemaha lixaad. Sidoo kale fagaaraha loo sawiray si hoog ama halisi ku jirto wuxuu kicin karaa dareenka nacaybka ee akhristaha. Bal u fiirso nudaan gaaban:

Qorraxda caarrani waxay si aan naxariis lahayn u kalkalinaysey dhulkii qaawanaa oo coomayey. Maalintaas oo dhan waxay milicdu dubaysey ciiddii, jaballadii, dhirtii, horay u engegtey ilaa ay hawadu isu baddashey hongorre kulayl badan una wirwirtay kor iyo samada bal inay qabow biddo.

Qoyaan biyood waxaa noogu sokaysey daruuraha maylalka badan noo jirey oo iyaba hawada kulul oo ka hoosaysey intay saaqday marba kor u sii guranaysey, samadana ka dhistay qalcado waaweyn ooy uga gaashaantaan hubka cadceeddu la damacsanayd.
Agagaarkayaga dhankii loo eegaba kan kaluu naxariis iyo qabow bidayey.

Qormadaani waxay soo bandhigaysaa degaan halis ah oo uu akhristuhu ishiisa maskaxeed ku sawiranayo cimilada, kulaylka, asqada jyo dhibaatooyinka la xiriira biyo-la’aanta deggaankaas ka taagan. Taasi waxay raad ku reebaysaa dareenka akhristaha, kaasoo isla markaas u naaxay jilaha deegaankaas ku dhaqan, halkaas waxaa ku cad sida uu fagaaruhu ama deegaanku uu sheekada u saameeyo.

Hannaanka Qoraalka: Hannaanka qoraal waa xulashada erayada iyo dhismaha weeraha qoraalkaas. Qoraagu wuxuu xushaa erayadii uu ku soo bandhigi lahaa nooca waayo-aragnimo oo uu gudbinaayo. Wuxuu qoraagu ka jawaabaa weydiimahaan intuusan qoraalkiisa bilaabin: Erayo noocee ah ayaa qoraalkaan u adeegsan doonaa? Ilaa intee ayaan faallooyinka aaraa’da qoraalkaas ku talaxtagi doonaa? Ilaa inteesa ayaan akhristaha fakarkiisa u dhaafi doonaa?” Doorashada hagaha sheekadu waa qayb ka mid ah hannaanka qoraalka. Akhristaha uma dhadhamaan ama kuma raaxaysto xubnaha kale ee qoraalkaas ilaa uu ku qanco hannaanka qoraalkaas.

Qoraa walba wuxuu leeyahay hannaan-qoraal isaga u gaar ah, hannaan-qoraal walbana wuxuu ka hummaag celiyaa camalka iyo dareenka qoraagiisa, sidaas darteed hannaan-qoraalladu waxay u kala geddisan yihiin sida dabeecadaha qorayaashoodu u kala geddisan yihiin.

Qorayaasha qaarkood waxay ku soo bandhigaan waayo-aragnimadooda ay gudbinayaan weedho sahlan oo gaagaaban oo laga dhawray ribbanaan macneed oo qoto dheer. Qorayaal kale waxay dulucda qoraalkooda ku soo gudbiyaan erayo ama weero macne qoto dheer oo falal badan riman. Waxay oraahyadooda isugu jajabiyaan oo misna u farsameeyaan si tiigsan karta ama la tartami karta maansada. Bal dheeho labadaan curis oo soo socda oo dulucdoodu isku mid tahay:

‘‘Waxaan ahayn tirsi kisi ah oon isudheeli tirayn. Hadday sheekada laboba isu togan lahayd midkayo lab ayaan u cid la’ayn. Cali iyo Ismahaan waxay u ekaayeen inay naga qayb bexeen oo hadalkii isla heleen. Sidoo kale waxaa isku saan darsaday Dhooddi iyo Samsan. Aniga iyo Xayir oo midiba kan kale faqdayn ka eegayey, waxaa na soo dhex martay Racwi oo dhan ay isu qaaddo garan la’ayd…”

Bal kan oo la ujeeddo ah, erayadase ka badalanna eeg:

“Lix is-weheshata mid lab baannu dheerayn. Waxay doodi ka taagnayd ninkayagii kalinnimada wehel looga dhigi lahaa. Cali iyo Ismahaan mawjado xoog badan baa gees nooga dhuftay, Dhooddi iyo Samsamna saxiimad dheeraysa ayey ku baqdeen. Waxaa baddu la caaridey aniga iyo Xayir oo Racwi oo dhagax cuskan u baqo tartamayney.”

Qorayaasha labadaan curis oo dulucdoodu isku mid tahay, waxay sawirradooda u kala adeegsadeen hannaanno qoraal oo kala geddisan. Kan hore wuxuu qoraalkiisa u soo bandhigay si toos ah oo ka fog hadallo maldahan iyo weero cuius oo fakarka akhristaha shiila! Haddaan kan kale u leexanno, hadalkiisu waa maldahan yahay. Wuxuu dulucdiisa u soo bandhigay si sarbeeban oo shaki iyo fakar akhristaha u keeni karta.

V. HAGIDDA SHEEKADA

Hagiddu sheekadu waa u-qof-deyidda sawiraadda sheekada. Qofka tebinaya ama akhristaha u soo gudbinaya ayaa ah kan hagaya sheekadaas. Qoraaga ayaa u doora tebiye ama weriye qoraalkiisa. Doorashada tebiye waxay ku xiran tahay hadba nooca dhacdo ama jaadka male-awaal oo sheekadaasi ku qotonto.

Guud ahaan waxaa jira labo nooc oo sheeko-hage. Farqiga ugu weyn oo weriyeyaashi u dhexeeya wuxuu ka yimaadaa xagga naxwaha. Noocyadaasi waxay kala yihiin: Qofka kowaad iyo qofka saddexaad.

Marka xagga naxwaha loo koco Qofka Kowaad waxaa lagu magacaabaa qofka hadalka wata marka labo qofi sheekaysanayso. Ruuxa dhegaystaha ah waxaa, naxwe ahaan, lagu magacaabaa Qofka Labaad. Kuwa ama kan aan labadaas midna ahayn ee laga yaabo in sheekadoodu ku saabsan tahay, waxaa isna lagu magacaabaa Qofka Saddexaad.
Noocyada weriye ee Qofka Kowaad iyo ka Labaad ayaa kiiba labo jaad loo sii kala qaybiyaa. Kulligood waxay isku noqdaan afar nooc oo sheeko-hage: Tebiyaha Qofka Sadeexaad, hagaha uur-ku-baallaha ah ee Qofka Saddexaad, Qoraaga oo Qofka Kowaad jila, iyo Qofka Kowaad oo la maqaarsaaray.

Weriyaha Qofka Saddexaad waxaa la moodaa inuu ka baxsan yahay ama uusan lug ku lahayn soo-bandhigista noocaas suugaaneed. Weriyaha noocaas ah waxaa si fiican looga dareemaa riwaayadaha. Marka aynu riwaayadaha akhriyeyno ama daawanayno ma aragno ama dhegeysanno ruux si toos ah inoo la socodsiiya dhacdooyinka ama inoo ku soo werinaya, waxaanse aragnaa jilayaal kale oo jilaya riwaayaddii. Haddii aad fakarkaaga dib ugu noqotid waxaad garwaaqsanaysaa in qof kaa dadban, ha ahaado qoraageedii, oo aan soo-bandhigistii riwaayadda ka dhex muuqan uu jiro.

Haddaba tebiyaha noocaasi ah oon si toos ah uga muuqan noocaas tiraabeed oo la soo gudbiyey ayaa ku magacaaban tebiyaha Qofka Saddexaad. Bal dheeho qormadaan gaaban oo hoos ku qoran, adoo u dhugmo yeelanaya sida tebiyeheedu u saameey:

“Shahmaad waxay xirrayd dharkii caddaa oo astaanta u ahaa caruusadda. Quraxday u dhalatay bilcaantu habeenkaas siyaadaa u dheerayd. Waxaa dhinac ka xigey Huruuse oo isna qaabkiisii hibada ahaa lebbis bilicsan ku qariyey. Waxaa arooska dhinacyada ka socdey Cali iyo qof dumar ah oo dhallinyaro ahaa, kana socdey dhanka qoyska Abuukar. Afarta qof markay irridka xafladdii ka soo galeen baa waxay ku saseen sharqantii jaanta lays ku darsaday iyo indhaha digtoon oo dadkay meesha ugu yimaadeen ay ku eegayeen. Ruux kastoo dhiirranaan u dhashay uma adkaysan karin indhaha iyo xiska digtoon oo dadka meeshaas isugu yimid ay afartaas qof, siiba Huruuse iyo Shahmaad, ku eegaayeen. Afarta qof iyagoo sidii wax sarqaansan saamaha jiidaya, xishood awgiis ayey fariisteen kuraas dadka ka horreysey oo iyaga loogu talo galay. Sawaxankii badnaa baa nuxuusay, dadkiina, qof walba kursigiisii buu salka kula noqday.”

Waxaad qormadaan ka dareemaysaa kaalintii tebiyaha Qofka Saddexaad uu ku leeyahay male awaalka. Sidaad qormadaan ku aragtid tebiyaha noocaan ahi kama dhex muuqdo dulucdii sheekada, mana kasbayo abuuridda dhacdooyinka. Waxaad moodda in tebiyaha noocan ahi kugu leeyahay: “Anigu sheekada kuma lug lihi ama ima saamayso, ha yeeshee sidii wax u dheceen baan kula socodsiinayaa.”

Waxaa tebiyaha aan kor ku soo sheegnay la bah ah weriye kale oo ka yare duwan. Waxaa hagahaasi, markuu mala-awaalka werinayo, inoo soo gudbiyaa wax uusan arki karln ama maqli karin. Wuxuu wax inoo ka sheegaa siduu jiluhu u fakarayo ama wuxuu jiluhu dareemayo. Waxaad mooddaa inuu awood u leeyahay inuu akhrisan karo waxyaalo dahsoon oo khuseeya jilayaasha mala-awaalkaas la xiriira, sida fakarkooda, dareenkooda, jacaylkooda, nacaybkooda iyo wixii la mid ah. Wariyaha noocaas ah waxaa lagu magacaabaa wariyaha Uur-ku-baallaha ah ee Qofka Saddexaad. Bal ka dhex dhadhanso astaamaha weriyaha noocaas ah curriskaan:

“Xasan intuu kursigii isku dhacdiishey buu inantii wajigeedii daymo ku xaday oo misna gaaddadeedii u dhaafshey markuu arkay in aragga dhaayaheedu ka dadban yihiin. Waxaa ishiisu ku daahday gaaddadeeda oo labo naas oo jaangooyo fiicani ku qotomeen. Wuxuu jeclaystay inuu naasahaas taabasho la gaaro isagoon loogu xumayn. Waxay maskaxdiisu ku hawlanayd siduu u jidaysan lahaa qorshehiisaas iyo halkuu haasaawaha uga bilaabi lahaa inanta oo ku timid ballan ay horay u dhigteen. Inanta oo isaga hadal-fur ka sugaysa, dareentayna inuu iyada daawasho kula maqan yahay ayaa is-maahisey iyadoo iska dhigaysa sidii wax fakaraya oo ka ambaday ujeeddadii ay ballanta ka lahaayeen.”

Haddii aad u dhabbo gashay qormadaan waxaad si fudud u garwaaqsanaysaa in weriyaha curiskaani uu ka afcelinayo fakarkii, dareenkii, iyo qorshihii labada jile oo dulucdu ku saabsan tahay. Haddaba ogaanshaha uu weriyuhu ogaadey waxyaalahaas dahsoon sida fakarka ama sirta jilayaasha, ayuu kula magac baxay uur-ku-baalle ama hibaysane.

Weriye kasta oo isku magacaaba ‘aniga’, markuu nooc suugaaneed inoo soo gudbinayo, waa weriye Qofka Kowaad ah. Haddaba magac-u-yaalka ‘aniga’ wuxuu suugaanta ugu taagnaan karaa labo Qof:

Qoraagii noocaas suugaaneed askumay ama qof kale oo la maqaarsaaray. Marka ay ‘aniga’ qoraaga u taagan tahay, qoraagii ayaa iska dhigaya weriye ka madax bannaan curintii sheekadaas. Wuxuu iska yeelaa ruux soo martay ama toos ay ugu dhacday waayo-aragnimada ay sheekadaasi xambaarsan tahay. Wuxuu akhristaha u rumeeyaa jiraalka ama jiritaanka noocaas suugaameed ee uu werinayo.

Weriyaha maqaarsaaran oo qofka Kowaad ihi wuxuu sheekada u hadlaa siduu isaga naftiisu qoraagii sheekadaas yahay. Waxaa habboon inaad erayga maqaarsaar maskaxda ku haysid. Wuxuu weriyahaani isu ekaysiiyaa isu dhalan rogga qoraagii sheekada. Waxaa tilmaamaha weriyaha noocaan ah tusaalo wacan u ah kan sheekada Mayd Socda. Caasha oo weriye ka ah sheekadaasi ma aha qoraagii askumay sheekadaas, waxaase loo maqaarsaaray in loo ekaysiiyo.

DHAMMAAD

***

 

MAYD SOCDA
Sheeko Gaaban

Waxay ahayd subax Isniinaad oo cirku qaawan yahay, qorraxduna ay samada qun yar u tafayso. Quraacdii ayaan u qaybshay saddexdaydii wiil Yuusuf, Cali, iyo Mahdi waxaana u tabaabushaysanayey inaan suuqa magaalada aado.

“Aaa, hooyo! Rootigaygii buu iga qaatay.” Mahdi, waa kii ugu yaraaye, ayaa kala qayliyey quraacda korkeeda isagoo afkiisu buuxo.

“Kee?” ayaan weydiiyey anoo aan si fiican uga digtoonayn eedsheegadkiisa, kuna hawlan hagaajin sariiro ay saaka ka soo waabariisteen.

“Ca… Caali! Wuu i xoogayaa! Hooyo!” Mar labaad buu soo cabaaday isagoo oohin hinraagaya.

“Waryaa, Cali! Sii wiilka kaa yar rootigiisa, yaanan kuu soo kicine.” Cali baan ku canaantay. Cali labo sano ayuu Mahdi ka weynaa, wuxuu ahaa caatay ku dheer da’diisa. Xabbad rooti ah buu si caro ku jirto ugu halgaaday walaalkiis Mahdi. Canaan baan u dhaandhaanshay ilaa uu oohin afka labo taako geeyey.

Shaqadaydii baan sii watay anoo saacadda milicsanaya. Waxay gacmaha gooraysatadu tilmaamayeen sagaalkii oo rubi dhiman. Waxaan dareemayey in Faadumo oo aan sugayey ay daahday. “Xaliimo?” Waxaan u qayliyey adeegtadaydii. Qolkii bay degdeg ku soo gashay. Waxaan beegsiinayey shaqo-guridii maalintaas. Qof baa albaabka ka soo digay intaan adeegtada hawsheeda farayey.

“Soo dhaaf,” ayaan ula tannaagoodey shanqartii soo digtay. Faadumo ayaa soo dhacday. Salaan baan isdhaafsannay aniga iyo Faadumo marka ay adeegtadii dibadda u sii baxaysay.

“Ma soo daahay?” Faadumo ayaa si kaftan ku jiro ii weydiisay iyadoo qosol ilkaha daaha ka rogaysa. Faadumo waxay ahayd inan dheer, dhuuban oo qurxoon oo leh weji jaangooyo fiican. Qosolkeeda iyo ilkaheeda qaabsamida u teedsani waxay ahaayeen kuwo bilicdii foolkeeda dheelitiray. Naasaheeda tognaa iyo jirkeeda oo dhani wuxuu ka marag kacayey inannimadeeda iyo dhawrsanaanteeda. Xarig nakaax kuma xirnayn wayse doonanayd.

“Ma aad soo daahin oo keliya aad baadse u soo daahday,” ayaan iri anoo ugu baaqaya inay ku fariisato kursi ii dhawaa.

“Wax war Galbeed ah?” Faadumo ayaa i weydiisey.

“Maya,” ayaa jawaabtaydu ku koobnayd. Waxaan ku hawlanaa is-dhisid, waayo waxay ahayd inaan inanta suuqa Xamar Weyne u raaco. Faadumo su’aasheedii u danbaysay baa maskaxdayda ku soo cusboonaysiisay tegiddii ninkaygii aan jeclaa. Maalintii tegiddiisu ahayd xusuus gaara ayay ii lahayd. Ninkaygu wuxuu lahaa qaab dhismo fiican iyo garbo waaweyn oo madaxiisa culus kor u hinjiya. Araggiisu wuxuu u muuqday inuu yahay nin qab weyn oo kibir badan. Wuxuu ku magacawnaa Xirsi, waxayse saaxiibbadii ugu yeri jireen Maroodi muuqaalkiisa dartii. Wuxuu ahaa sarkaal sare oo ciidanka gobannimo-doonka Soomaali Galbeed ka tirsan. Wuxuu raacay kooxo gurmad ahaa oo lagu xoojinayey Jabhadda Xoraynta Soomaali Galbeed oo xornimadooda ka khasbey taliska Xabashida iyo huwanteeda.

Ambabixisii, Xirsi wuxuu noo soo maray inuu na nabadgalyeeyo, kaddib markuu dhawr habeen nooga dhaxay xerada ciidankiisa. alaab yaryar ayuu kolay ku uruursaday. Dhankayaga ayuu u soo jeestay markuu diyaargaroobay.

“Waqtigii waa la gaaray,” ayuu la soo degdegay, “Anigu waxaan aadayaa dagaalka. Hadal danbe waqti uma hayo. Dukaanluhu masruufkii waa idiin wadayaa. Walaalkay Daahir idin kama dheera haddii lacagtii idin ka go’do. Hadal iyo dhammaantiis aday ku jirtaa sidaad reerka u hanan lahayd intaan maqnahay.”

Madaxa ayaan u ruxay hadal walba oo uu yiraahdo, anoo dareenkii jirka oo dhan dhegaha isugu keenay. Intuu shucuurtii wajigiisa farax ka muujiyey buu igu soo booday, isku kay maray, buu dhunkasho dheg, galow, iyo dhabnaha marba dhinac u dhaafshay, ilaa uu dareen macaani tin ilaa cirib igu duxay. “Laga yaabee inay dhunkashadani tahay tii adduunka isugu keen dambeysay,” buu igala dul gurxamay.

Dareenkii macaanaa oo dhunkashadiisu igu reebtay baa waxaa ii badalay naxdin, “Rabi ha kula jiro,” ayaa afkaygu karay.

Intuu iga go’ay buu kolaygiisii garabka surtay. Qolkii buu ka baxay oo kor u dafay Mahdi oo boonballadiisii debedda ku ciyaaraya. Wiilkiisii buu wejiga dhunkasho kala gaaray dibnaha oo yiri, “Jaaw Aabbo!”

“Baaba, intee aadee?” Mahdi baa su’aaltamay.

“Waxaan soo gubayaa cadawgeenna Axmaaro!” Xirsi baa ku jawaabay isagoo wiilkiisa uqoslaya. Cadawtooyada Xabashida iyo Soomaalida dhex tiil waxay gaarsiisnayd xad ay dhalaanka yaryari garwaaqsan karaan.

Fakar ayaan la ambaday intii uu ilmaha nabadgelyeynayey. Waxaan u walwalsanaa una baqayey nolosha ninkayga. Fikrado isdhaafsan baa maskaxdayda isku jiiray. Awooddaydu ma gaarsiisnayn inaan ninkayga guriga ku reebto oon dagaalka ka baajiyo. Erayadii gurxankiisa u danbeeyey ayaa maskaxdayda ka sii qaylinayey, “Laga yaabee in dhunkashadaani tahay tii isugu keen danbeysay.”

Xirsi, nabadgelyayntiisii ayuu kulligayo gacanta salaan na wada saaray oo ku degdegay fatuurad irridka ku sugeysay. Saamihiisii ayaan indhaha lasii wada raacnay ilaa uu fatuuradda nooga dhuuntay. Aad baan uga walaacsanayn tegiddiisa. “Xagee buu u jeedaa,” baan is-ogaal weydiiyey “malaha qabrigiisii” ayaa isugu mala jawaabay.

“Caasha, xaggee maanta iskala hadlaysaa? Ilama fiicnide.” Faadumo oo hamigayga dareentay baa i weydiisey.

Intaan hawada xoog u jiidey oo mid le’eg uurkujirta ka soo gaaciyey baan, “Waxba abbaayo,” ugu jawaabay anoo fakarkaygii dheeraa halkaa uga haraya. Intaan qarsho barafuun ah laabatooyinkayga sare ku buufiyey baan Faadumo u dhiibay. Suuqa hoose ee magaalada Muqdisho ayaan wax-gadasho u aadnay. Daqiiqad yar ayay nagu qaadatay intaan Jidka Maka AI-Mukarrama ka gaareyney. Socodka shaqaaluhu aad buu u badnaa, marka waxaa daqiiqado door ah naga qaadatay intii aan sugeyney fursad aan jidka dhanka koofureed uga tallaabi lahayn. Jidka qarkiisa ayaan tagsi isu taagnay markii aan ka talawnay. Helitaanka tagsi oon ugu dambaystii ku guulaysanay dhib yar kama aanan soo marin. Jidka hareerihiisa waxaa tubnaa dad badan oo qaaditaan sugayey. Markii tagsi marani na soo ag-joogsada dad badan baa kala hororsanayey, wadayaasha dacwadahooda joogtada ahaydna waxay ka taagnayd waxyeellada daaqadaha tagaasidooda oo dadku ku hardamayey. Abbaartayadu waxay ahayd Xamar Weyne oo aan doonayney inaan alaabo yaryar ka soo iibsanno.

Abbaaraha kow-iyo-tobankii barqanimo ayaan aqalkii ku soo laabannay. Faadumo aqalkeedii bay u kacday kaddib markii aan cabitaan qabow wadnayaasha ku sabnay. Waxaan suuqa kala soo laabtay bilic-dheehyo iyo lebbisyo aan carruurtayda u soo iibshay. Intaas ka sokow, waxaan boombalo cusub u soo gaday Mahdi oon wiilashayda u jeclaa. Daal iyo jilicsanaan ayaan iska dareemay. Sariirtaydii ayaan isku kala baxshay si aan u nafiso, una dhakiyo intaan qadada la gaarin, wax badan ma aanan jiifin markaan garaac albaabka ka yeeraya ku kacay. Albaabkii baan u jawaabay. Dumaashigay, Daahir ayaan iridka kula kulmay. Daahir aalaaba waa nasoo booqan jiray si uu u ogaado waxa aan ku sugannahay.

“Maalin wanaagsan!” Daahir ayaan si farxad leh kula hambaabiray intuusan fursad u helin inuu na salaamo. Nabdaadintiisii buu la gunuunnucay. Wajigiisu waa qayirnaa, dhididna waa ka shuxayey sidii uu cid lasoo dagaalay. “Mindhaa anuu gaf ama khalad igu tirinayaa,” ayaan maleeyey. “Khalad noocee ah? Maya.” Yaab baa iga soo haray, afkayaguna hadal waa kari waayey. Anoo la didsan isbeddelka shucuureed ee wajiga Daahir ayaa isagii ii hor kacay qolka fadhiga. Soofa dheer oo fadhi dabacsan buu salka la helay isagoo aan wali hadal damacsanayn. Dib isu jinbacay oo u keenay cabitaan qabow, Kooka Koola. Intaan sharaabkii miis yar oo kuraasta isfadhi dhawranaysa u dhexeeyey u dhigay baan kursi hortiisa ah salka mutay, anoo wali fajacsan. Daahir wuxuu ku dhaygagsanaa Kookada hor tiil oo xunbaynaysay.

“Daahir, sidee wax u jiraan? Maanta caadi ma ahide?” ayaan ugu dambaystii weydiiyey markuu cabbaar iga aamusnaa.

Intuu indhaha milicsi igu dhiftay oo haddana igala noqday buu jeebka misigta ku aaddanaa masar kala soo baxay oo wajigiisa dhididku shuxayey marba dhinac ugu hiigay. Afkuu hadal u kala qaaday oo inta dibnaha nuuxnuuxiyey misana ka noqday intaan erayna afkiisa ka soo bixin. Waxaan ku sigtay inaan oohin buqdo, markuu ugu dambaystii, warkiisii naxdinta lahaa afka furtay.

“Caasha, aad baan uga xumahay inaan kuu sheego dhimashadii Xirsi, walaalkay oo ku dhintay dagaalkii Jabhadda iyagoo weerar ku qaadaya saldhigyo ciidammada cadawgu lahaa…”

Waan miyir beelay markii erayga dhimasho dhagahayga ku dhacay. Dunidii baa ila wareegocaddaysay. Anoo aan hadalka dhammaystirkiisa sugin baan fadhigii ka booday oo sambabadayda muggooda afka qaylo ku shubtay. Qolkii jiifka ayaan ku cararay anoo dumaashigay oo hadalkii ii wada qolkii ku cidleeyey. Haddii fooli timaaddo gudo-qarsiinyo dhinte, haddii dareen culusi yimidna xishood dumaashinimo dhamaa, sariirtaydii baan isku halgaaday, iyadoo indhahayga ilmadu durdurayso. Qaylada boohintaydu waxay dhiillo galisay deriskii. Dad badan ayaa gurigayga kusoo shamuumayey si ay u ogaadaan waxa qayladayda u saldhig ah. Eraygii dhimashadu wuxuu ku fiday deriskii iyo Hodan oo dhan markiiba.

Daahir markuu xaaladda dersay ayuu weedho waano ah ii soo faray adeegtadii carruurtiina ia aaday aqalkiisii oo Waabari ku yaal. Tab iyo maaro wuu u waayey siduu u sabaalin lahaa dareenkayga kor dhaafay.

Maalintaas iyo habeenkeediiba baroor bay ii ahayd. Waxaa jirkaygii oo dhan qallayl u diidey dhidid iyo illin.

Maalintii labaad waxay ahayd Talaado xusuus weyn ii lahayd. Daahir wuxuu la soo laabtay carruurtii agoonta ahayd. Dad kaloo badan oo murugaysan ayaa yimid. Alla barigii tacsida ayaa la aloosay. Riyo badan oo tacsida loola niyooday baa gawrac lagu jiiday. Koox wadaaddo ah oo horay loogu hamuun tiray ayaa inta iska soo horjeestay Qur’aan iyo duco u bixinayey ruuxii aakhiro loo oofsaday. Wajiyo murugo huwan oo tiro beelay baa raaskii iska soo dhaamiyey. Qaarkood ilin bay iska hoorinayeen. Tuugsato badan baa iyana aqalkii isweer ka qabtay. Iyagu uma imaan inay murugada nala qaybsadaan waxayse soo doonteen waxay caloosha dhigaan. Malaha waabay ku farxaan inay ka qayb galaan Alla bari tacsiyadeed si ay maalintaas dheregtooda u cunaan, bal murugo ha joogtee. Gurigii wuxuu kanoolaaday dad nooc walba oo bulsho ka mid ah leh. Durbadiiba waxaa dumar murugaysani ii xireen asaydii caddayd.

Ilaa intaan xirnahay dhar baaskaas murugta lihi, waxay ahayd inaan raaco qawaaniin gaara oo dhaqanka ku sal leh. Waa inaanan cunin cunto dufan leh ama aanan dheregtayda quudan, waa inaanan madaxa subkan ama aanan shanlaysan; waa inaanan mayran ama aanan cidiyaha iska jarin. Waxay ahayd inaan sidaas u dhaqmo ilaa inta asaydu ii saaran tahay oo ilaa lixdan casho ku siman.

Dadkii tacsida ka soo qayb galay waxay iga huleeleen markii aaska madoobaaday. Agoontii waxaa la noqday adeerkood Daahir. Xaliimo oo kaliya ayaa gurigii iiga soo hartay. Sariirtii baan geddi cad isugu kala bixiyey anoo wali asaydii ku maran. Ishayda ilmadu kama gurin ilaa intii dhimashada ninkayga guriga la keenay. Illintii indhahayga ka qulqulaysay waxay igu qoysay barkimadii, waxaan marba baroor la soo saro kacayey markaan aniyo carruurtayda ayaan xumada nagu soo fool yeelatay ka sii fakaro. Waxaan soo garwaaqsaday gurxankiisii ugu danbeeyey oo ahaa, “Laga yaabee inay dhunkashadaani tahay tii adduunka isugu keen danbaysay.” Baroor baan la qayliyey ilaa aan dariskii kaga salaliyey saqda dhexe. Waxaan isku dayey inaan dareenkaygii kacsanaa xukumo, waase ka tab waayey. Ninkaygii baan fakar ku raad guray. Waxaan maskaxda ku sawirtay maydkiisii oo ay ku tumanayaan ciidamo weerar ku jira ama ay dul marayaan kaarayaal dagaal iyagoo hilibkiisa u kidfaya xubno aan midina mid ku ool. Wuxuu sawirkii igu sii kordhiyey hinraagii, naxdintii, dhididkii iyo illintii aan u meel waayey, Habeenkaas oo dhan hurdo gama’ ma siin. Sariirta aan ku jiifay waxay ii ahayd foorno, qolkuna wuxuu ii ahaa qabri.
Maalin kuwii hore ka murugo badan ayaa ii dilaacday. Sariirtii baan dul fariistay oo indhaha sacabka ku qalajiyay. Albaabka xaggiisa ayaan u tukubey oo balaqay. Qolkii baan dibadda uga baxay. Qorraxdii arooryo ayaa igu salaantay fallaarihii ifkeeda aan wali qaan gaarin, anna waxaan ugu salaan celiyey illin. Qaanso-roobaadyo yaryar baa indhahayga baalashooda illinta iyo qorraxda ifkeedu ka sameeyeen. Gambar baan ku fariistay anoo culayskii madaxayga gacmo bowdyaha ku dhidbanaa sare ugu haya, hayr marba indhaha soo dhaafayeyna la dagaallamaya. Qolkii baan dib ugu luuday, Sariirtii baan isku tuuray oo baroortii meesheedii ka waday.

Abbaaraha siddeedii iyo rubi war-baaska maalintiisii saddexaad ayaa dadkii bilaabeen inay raaskaygii ku soo qulqulaan. Qolkii aan ku jiray ayey labo-labo iyo saddex-saddex u soo gelayeen. Midkood walba si calool-xumo leh ayuu erayo tacsiyeyn ah afka ugu kala qaadayey, dabadeedna baxayey si uu fursad u siiyo dad tiro beelay oo tacsiyeynta iyo salaanta iila soo kala horanayey. Waxaan ka masayray dadka tacsiyeynta iigu yimid qaarkood dheddig, waxayna ilmo ila soo dhaaftay araggooda, maxaa yeelay iyaga raggoodii wow noolaa. Nolol iyo jecaylba nimankooda ayay la qaybsanayeen. Sidayda oo kale sariirahooda dhinac kama cidloobin. Mana ay mudan kalinimada aniga i soo food saartay. Xataa waxaan ka masayray dumar aan la qabin oo sabaalin iyo ilawsiin iigu yimid, maxaa yeelay sidayda oo kale ma ay ahayn agoonley, mana ay hayn dhibaatada ila soo daristay. Mararka qaarkood waxaa tacsiyeyn iigu imaanayey labo-labo isqaba, waxaana joogistoodu i xusuusinaysay mar waxaan ahaan jiray iyo hadda waxaan ku dambeeyey.

Erayada tacsiyeynta ahaa iyo joogista dadkuba waxay siyaadisay oo kor u sii qaaday walwalkii iyo walaacii i haystay bal dareenkayga oo ay sabaaliyaan daayoo, “Samir yeelo,” waxay ahayd weedh ay ka sinaayeen oo ay hadalladooda ugu wada dambaysiinayeen samir ninkaygiina iima soo celin karo, illintayda ma joojin karo, ayaan is-iri. Waxaa kaliya oo boogahayga baanin kara, dareenkayga kacsanaa damin kara waa waqtiga oo wax walba duugowgooda u sabab ah, hase yeeshee, xataa waqtigu ninkay iima soo noolayn karo.
Maalintaas murugta badnayd waxay ii dhiibtay habeen ka sii daran. Habeenku wuu ii dheeraa oo ii dhib badnaa. Waxaan ku dhex karsamayey sariirtaydii oo dhari dab saaran iiga darnayd. Xaliimo waxay hurdo lur la’ ila ag jiiftay sariir dhinacayga tiil. Habeenku wuxuu u sii gurguuranayey saq dhexe, hurdana wayga soo go’i weyday. Sariirtii baan ka degtay oo nalkii daaray.

Waxaan u saamo qaaday armaajo qolka dhinaciisa tiil. Khaanadaheedii baan mid soo dhuftay waxaanna kasoo dhex dafay masawirkii ninkaygii oo si fiican loo saabiyey, darbiga qolka ayuu surraan jiray, ha yeeshee khaanaddaas ayaan ku qariyey kaddib markii dhimashadii ninkayga la ii soo sheegay. Waxaan ku dhaygagay sawirkii midabaysnaa ee ninkaygii dhintay. Wajiga sawirka ayaan indhaha ku qotomiyey. Wajigiisu wuu qaab samaa, wuxuuna la dabacsanaa qosol yar. Sawirkii baan dhunkaday. Waxay ila noqotay inaan ninkayga dhunkasho nolosha kula qaybsanayo ee ayan wuxu ahayn suuraddiisii. Gafuurkaan cabbaar masawirkii ku camcamiyey waxaana daqiiqadihii ay dibnahaygu warqadda shaqlan dul saarraayeen illaaway calool xumadii iyo urugadii i haysay. Isla markiiba waxaan ogaaday inaan hawada qalcado waaweyn ka dhisayo. Dibnahaygii baan sawirkii kala noqday. Intaan mar labaad warqaddaan hayey miiicsaday baan laabtayda ku camcamshay oo boohin hinraagay, anoo dhibco waaweyn oo hayr ah indhaha ka hoorinaya.

Himishkii baan wajiga ka tiray oo khaanad kale oo armaajada ka mid ah soo jiiday; hoos baan ugu fiirshay indho ay ilmo ka sarrayso, waxaanna illintii ka dhex arkay saraawiil iyo shaarar uu lahaa ninkaygii ‘tagey’ oo inta la feereeyey oo la laalaabay qaadasho u diyaar ah. “Yey qaadasho ka sugayaan?” ayaan maleeyey, “Ninkii xiran lahaa, tuke iyo haad baa hilibkiisii si silic leh u gogtaye.” Dharkii baan soo qaaday oo sagxadda aqalka bilqay. Aalkolo qolkii tiil baan soo qaatay oo ku bilbilay, dabadeedna, xabbad tarraq ah oo holcaysa qabadsiiyey si ayan mar dambe ishaydu u qaban oo aanan ugu xusuusan Xirsi. Shay uu saygaygu lahaan jiray markaan arkaba, wuxuu maskaxdayda ku soo noolayn jiray Xirsigii tegey, wuxuuna danqin jiray boogihii aan dhayayey.

Aah! Noloshu ashqaraar badanaa! Waxay kulmisaa iska hor imaadyo qallafsan oo murugo badan, dhimasho iyo dhalasho, farax iyo urugo, qosol iyo baroor, belo iyo baraare, guur iyo garoobin. Wajiyadaas nololeed oo dhan, kuwoodii dhibaalka lahaa ayaa ii heshiiyey. Aah! Waa maxay nasiibdarro iyo tag-xumo aan u dhashay? Ma waxaa la ii qoray inaan sidaan ku danbeeyo?

Aah, dhimasho! Waxay kala dhantaashaa labo qof oo wada jira jecaylkooduna dheellitiran yahay. Xukunkeedu caddaalad xumaa markay labo isjecel midna disho, kan kalena ifka ay ku baddo nolol malmal macaan kala meel joogta.

Naagi waa inay wax jeclaataa lana jeclaadaa, jeceyl nikaax iyo raas leh. Jacayl waa isha faraxa ee nolosha. Maxay nololi ahaan lahayd, haddii urugo iyo dhibaato mooyee ayan farax iyo fayoobi lahayn? Markaas oo kale dhimashadaa door ah, waxaan gaaray heer aan dhimashada door bido si aan uga raysto walwalka, walaaca, asayda, kalinnimada iyo dhibaalka nololeed oo isugu soo kay qaylo dhaansaday.

Maalmahaygii murugada lahaa midba miday riixday. Booqashada dadka tacsida iigu imaanayey way soo yaraanayeen maalinba maalinta ka danbeysa. Indhahaygu way kari waayeen illin danbe oo ay daadshaan. Wajigaygii wuu dhaday. Hilibkil iyo culayskii barwaaqadu igu rartay wuu iga dhacay, waxaan isu beddelay weyd tabar daran, waayo, weli sidii war-baasku ii soo gaaray afkayga oomati waa lagu holi waayey. Quruxdaan u dhashay qayiran baa u danbeeyey. Daahir mar mar buu booqasho iigu imaan jiray isagoo isku dayaya inuu dhibta iga kala yareeyo oo hadba sabaalin igu dayayey.

Maalin maalmahaas ka mid ah, ayuu Daahir sidii caadadiisu ahayd noo yimid. Qolkii fadhiga ayuu fariistay, markaasuu ii qayliyey anoo qolkaygii jiifa oo fakaraya. Intaan u imid baan kursi hortiisa yiil si xushmo leh salka ula raadsaday. Salaan baan is-dhaafsannay. Kor iyo hoos, tin iyo cirib buu isha ila raacay.

“Waa maxay isbeddelka ku dhacay!” ayaan maleeyey inuu is-weydiinayo. Waxaan in doora aamusiyey aragxumada iyo weydnimada aan kala soo hor jeestay. Intuu xamiiq tirtay buu hadal bilaabay.

“Caasha, marka hore, waxaan jeclahay inaan ku xusuusiyo in qoyskayga oo dhami kula qaybsanayo geerida ina ku timid dhibkeeda. Ma aha adiga kaliya inta Xirsi ka geeriyooday ee isku si baynu u wada sugeynay.” Hadalkii buu sii waday isagoo wajigiisa kaduudaya. “Marka labaad, haddii aynaan soo noqodkiisa filayn, waxaa habboon in reerkii uu ka tegey aynu dumista ka ilaalinno.” Xoogaa buu hadalkii ka hakaday oo kursigii gadaal isugu dhacdiidiyey. Hadalkii buu misana dib ugu laabtay. “Waa labadeenna waxa uu xilkaasi saaran yahay. Mas’uuliyadda garbaheenna ayey dul taallaa. Waxaa jidha carruur xannaano iyo taxaddar u baahan. Adiga laftaadu kama marnid dhawrista ee waad u baahan tahay, marka sidee baad u malaynaysaa inaan reerkaas dumista uga ilaalin karno?”

Intii cabbaar ah ayaan aamusnaa oo su’aashii u waayey jawaabtii ku habboonayd. Milicsi ayaan damcay inaan foolkiisa ku xado, ha yeeshee, durbadiiba dhaayaha ayaan kala boodey markaan arkay indhihiisa oo wajigayga ku qotoma, taasoo isla markaas i illowsiisay erayadii aan isugu soo duway inaan su’aashaas uga jawaabo.

“Daahir, xeradii llaahay dhigay ayaa dhigan. Wax samada laga soo qoray cidina ma baajin karto,” ugu danbeystii ayaan ku guulaystay inaan erayadan afkayga ka fasaxo. “Qoyskaan xag Alla ayaa Rabbi uga qoray inuu burburo, markii Rabbi ka qaaday dhegtiisii sare, Xirsi.” Libiqsigii ayey ishaydu illin ka soo maaxatay, xusuusta xun awgeed, la soo tuftay. Hadalkii baan dib u bilaabay markaan cabbaar indhaha iyo ilmada aan u kala maaro waayey aan kala sabaalinayey. “Aniga iyo adiga midna reerkaan baaba’aan loo qoray kama badbaadin karo,” ayaan jawaabteydii ku soo gabagabeeyey.

“Adigu ma diiddan tahay sidii kasta oo suurta gal ah oo aan waajibkaas ina saaran ku gudan karno?” ayuu misana i weydiiyey, isagoo i daymoonaya, ilkihiisana qosol dibnaha dib ugu xaydaya. Waxay ahayd waqtigii iigu horreeyey oon arko isagoo qosol u hogbanaya tan iyo intii geerida la soo sheegay. Samir ayaa durba halmaansiiyey dhimashadii walaalkiisii ku dheeraa oo uu san-ku-neefle oo idil ka jeclaa.

“Maya. Maxaa…? Ma hortaagni ee waxaanan garanayn si hawshaas wax uga suurto geliyaan,” ayaan kula dhiirraday.

Xaliimo ayaa soo gashay iyadoo sharaab dhalaysan sagbo noogu sidda. Kursi yaroo wareegsan bay inta soo dhex dhigtay sharaabkii noo dul saartay. Way naga baxday iyadoo aan afkeeda erayna u kala qaadin. Shibbanaan muddo gaaban baa noo xigtay.

“Run ahaantii dhibaatooyin reerka soo food saaray siyaabo badan baan uga gaashaaman karnaa,” ujeeddadiisii ayuu dooxay. “Sida ugu fiican oo aynu qoyskaan dib ugu dhisi karnaa, waa annagoo cuskanna dhaqankii iyo caadadii aynu lahayn. Taas macnaheedu waa annagoo isticmaalna. Markaa sidee bay arrintaasu kula tahay?”

Sida caadada Soomaalidii ay tahayba haddii nin dhinto, naagtiisii waxaa xaq u leh inuu dumaalo walaalkiisa, si uu u hanto qoyskii agoomoobay, xilkoodana dusha ugu rito. Shaki kuma jiro in waxa Daahir afkiisa la karay oraahdaas ay ahayd dantayada. Wuxuu doonayey inuu xilkiisii guto. Arrinta dhankeedii xumaa kama eegin. Waan hubey in Daahir damaciisu ahaa dantayada ee aan wax kale meesha ku jirin.

Waxaan la aamusay fakarkii iyo rogroggii arrinta Daahir soo jeediyey. ‘‘Guur aan hawaystaa, anoo aan weli dhayin oo baanan boogihii jeceylkeygii rasaasta dubatay!” Suurogal bay ila ahaan weyday. Sidee baan nin ula jiifsan karaa sariirtii aan roonahaygii la oofsaday legdan-jiif xalaal ah kula qaybsan jiray. Haa, iyo maya, midna arrintii waa u doori waayey. Kalmadda dumaaleed, waxay danqisay hurgankii uu samirku daaweynta kula dhibbanaa. Xaaladdu xaq-darro ayey iila muuqatay, damiirkaygu oggol iyo diidmo arrintaas ah ayuu isku hayey. Weydiintii uu Daahir hadalkaas ugu danbeysiiyey saygaygii ayuu maskaxdayda ku soo cusboonaysiiyey. Illintii cabbaar indhuhu xannibeen baa irridda soo jabsatay. Ninkaygii cusbaa ayaan si wacan ugu ag baroortay, anoo wajiga garbasaartii ku qarinaya.

Daahir intuu fadhigii ka soo kacay buu i dul istaagay oo sidii cunug yar garbaha iga xoodaamiyey si dareenkayga karaya uu u sabaaliyo. “Caasha, maxaa dhacay? Ma hadalkaygaa wax kuu dhimay?” ayuu i weydiiyey isagoo luuqda codkiisa hoos u dhigaya. Illin mooyee jawaab wayga waayey. Erayna afkaygu waa kari waayey. “Caasha?” wuu sii hadlay, ‘‘Waan hubaa erayga dumaaleed oon filayey inaad ku diirsato baad dhibsatay. Markaa taladii adaan kuu dhaafayaaye, bal rogrog oo go’aan ka soo gaar.” Wuu iga tagey markaan baroortii joojiyey.

Waxaan maalintaas dhan ku fakarayey ra’yigii Daahir soo jeediyey. Arrinta dumaaleed waxay igu noqotay shiil dabaysan oo wadnaha igaga qotoma, ha yeeshee, dantayda iyo tan carruurtayda ra’yi kaas u dhaama maskaxdayda waa ka soo degi waayey. Daahir aad buu noogu naxariis badnaa xataa intuu Xirsi noolaa oo joogey. Dhibaatooyinkayga wuu la socon jiray intaan geerida la soo werin. Arrinka uu ii soo jeediyey isagu ku danaysan mayn ee taayaduu ku daryeelayey, intaas ka sokow, Daahir wuxuu lahaa afo u lahayd afar carruura.

Guur-bursi uu labo ama dhawr naagood nin nikaax ku kulmiyaa, wuxuu ahaa dhaqan aan Soomaalida ka marnayn. Arrinta aniyo Daahirse wey ka ujeeddo geddisnayd dumar-bursi; taayadu waxay ahayd waddada badbaado ee masiibo dhacday. Markii aan arrintii dhan walba ka eegay, waxaan guddoonsaday inaan saadaasha Daahir raaco. Ra’yigii markii hore ila xumaa wuu ila naxli beelay markii aan si fiican u rogrogay.

Sidii Xirsi oo kale, Daahir wuxuu ahaa nin qaab-dhisme fiican joogna ku darsaday. Midabkiisu wuxuu ahaa maarriin. Laba sano ayuu Xirsi ifka uga soo horreeyey. Wuxuu lahaa tagsi iyo dukaan macdaar ah. Si walba wuu ugu fillaa inuu laba qoys quudiyo, xaaskiisii hore iyo kan dib u dhismi dooney.

“Ilaa xad dhibaatooyinkaan na soo food saaray weheshigiisa waan uga kaban karnaa,” ayaan isku maaweeliyey.

Maalin dambe ayaa Daahir iila yimid saddaxdaydii wiil. Way i wada salaameen. Markii hore wiilashu wey garan waayeen is-beddelka igu dhacay awgiis, waayo, muddo bil ah waan is-moogayn oo adeerkood bay la jireen. Si fiican bay u soo wada naaxeen, aniguse waan sii nuxuusay. Kulligayo waxaan wada fariisannay qolkii nasashada. Yuusuf iyo Cali adeerkood bay dhinac fariisteen. Waxay u ekayd inay murugaysnaayeen. Waxaa ka nixiyey araggayga xumaaday. Mahdi dhabtayda ayuu ku fariistay isagoo ku faraxsan kulankayaga hilowga leh. Aad buu uga yaraa in uu dareemo dhibaatada geerida oo cidda gaadhay.

“Hooyo, maxaad dharka cad u lebbisatay?” Mahdi ayaa i weydiiyey intii aanan fursad u helin intayada kale inaan hadal is-dhaafsanno. Wuxuu dabeecad u lahaa hadal badan iyo u dhabbagelidda wax kasta oo uu la kulmo. Aabbihiisii dhintay buu ku bannaanaa. Araggiisa iyo weydiintiisuba waxay i soo xusuusiyeen aabbihiisii dhintay. Inankii yaraa waxaan ugu jawaabay dhawr dhibcood oo illin ah. “Hooyo! Adeer Daahir wuxuu ii sheegay in Aabbe aakhiro aadey, marka weli ma soo noqday? Goormuu imaanayaa?” ayuu mar labaad i weydiiyey. Su’aalihiisu waxay soo noqod ugu baaqeen sakaraadkii warkii baas oon sii sagootiyayey. Waxaan u hogbaday inaan baroor afka furto, markuu Daahir wiilkii canaantay, aamusiyey, dabadeedna ugu baaqay inuu dhiniciisa fariisto. Illintii baan indhahayga ka angajiyey. Carruurta waxaa ka sii nixiyey xaaladda isbeddeshay. Yuusuf iyo Caliba waxay ku dhowaayeen inay qaylo afka ku shubtaan naxdin awgeed. Mahdi oon la socon eelka dhacay ayaa isna boohin hinraagey markuu wajiyada intayada kale oo wada murugaysan akhriyay.

Daahir ayaa faray inay aqalka debedda uga baxaan. Wuxuu dareenkaygii kacay ku dejiyey erayo tacsiyeyn ah. “Dhimasho waa lama-huraan. Noole walba noloshiisu waa kooban tahay, dabadeedna aakhiro ayuu u jihanayaa,” ayuu yiri, “Innaga qudheennu meeshaasaanu u jeednaa. Jid kale oo inoo furan majiro.” Hadalkii buu in muddo ah sii waday. Shibbanaan dheer ayaa noogu xigtey.

Waan hubey in maalintaas Daahir uu noogu yimid inuu ogaado arrintii uu horey iigu soo jeediyey halkaan ka taaganahay. Wejigiisaan ka akhristay inuu jeclaan lahaa inuu go’aankeyga ogaado, uuse igala sheexayey inuu i weydiiyo. Ugu dambaystii ayaa arrintii dacayga ka furay.

“Waxaan u malaynayaa, inaad iga filayso inaan kuu soo bandhigo arrintii meesha aan ka taagnahay,” anaa iri, “Halkii aad jawaab sugan ka sugaysay, waxaan kugu salaamay khayr iyo baroor, marka raalli iga noqo. Intaas waxaa ii raaca inaan kuu sheego inaanan marna hor istaagayn ra’yi kasta oo aad soo jeediso reerkana ku saabsan ee aan sidaad ugu taliso raalli ugu ahay. Aniga iyo carruurtani waxaan kuu haynaa mahad weyn oo aan la gudi karin. Waxaad noo tartay hadal kuma soo koobi karo.” Hadalkii baan ku soo gabagabeeyey.

“Fulinta waajibaadkaygu ma aha in laygu ammaano.” Hadalkii buu qaybtiisii qaatay isagoo ilkihiisa daaha ka rogaya. “Xilkayga weeye inaan idin dhawro, haddana weli jidkii baan ku joogaa. Calaa kulli xaal, hadda ma doonayo inuu waqti kale inaka lumo. Waxaa nikaaxeennu dhici doonaa markii aad ka soo kabatid diiftaan ku haysa, asaaydana lagaa dajiyo.” Gacantuu jeebkiisa la aaday oo dibadda ka soo dhigay, lacag waraaqa ah oo buundaysan. “Bal intaan bishaan isku fillaysiiya,” ayuu yiri isagoo ii dhiibaya. Carruurtii buu dibadda uga qaylshay. Way soo galeen iyagoo gafuurrada taagaya siday adeerkood u caraysan yihiin. Daahir baa ku amray inay nala fariistaan, wayna fuliyeen.

Hurdo ayaan iska dareemay daal-maskaxeed awgiis. Waxaan u luuday dhankii qolka hurdada. Gaddi cad baan sariirta ugu seexday, isla markiiba khuuraan afka furay. Hurdadii waxay i tustay ninkaygii hore oo nool oo xiran lebbiskii ciidanka. Waan isku tuuray oo isku maray anoo laabtiisa ku ooyaya, waxaa hurdadii iga sasiyey qayladii qarowgeyga. Waa maxay riyo waaliyaad i soo martay? Hadday riyooyinku run cuskan lahaayeen ninkaygii aakhiro ayuu kasoo noqon lahaa, ayaan fakaray. Intaan fariistay ayaan isku dayey inaan is-illowsiiyo walwalkii geerida oo aan bilaabo nolol cusub oo rajooyin dihin xambaarsan. Shukaansiga Daahir ayaa duug ka dhigay qarracankii iyo dhibaatadii geeridu keentay. Shukaansigii wuxuu noloshii iiga furay baal cusub oo rajooyin badan.

Ugu dhawaan shan maalmood ayaa ka harsanaa xuub-siibashadii aan asaayda ku xoori lahaa. Taas dabadeed, waxay ahayd inay daaqad kale oo nololeed ii ballaqanto.

Dareenkaygii jirranaa waxaa baantay rajooyin iyo himilooyin cusub. Waxay u ekayd inaan durba ilaawey dhibaatadii na soo gaadhay. Xusuustaydii xumaatay wax badan ma noolayn. Waqtigu waa daaweeyaha dhibaatada kan ugu fiican. Waqti laba bilood ku siman ayaan ishaydii, qalbigaygii iyo xiskaygii bukey daaweeyey. Miyaynan ku gaabnayn in lagu hilmaamo khasaare sidaas u ballaaran, sida say dhimashadiis? Arrintu si kastaba ha ahaatee, ninkayga cusub baa taas ka mas’uul ahaa. Markuu fakarkii geerida uu ku barxay himilo guur iyo han cusub, waxaan la yaabay siday dumarku u qalbi jilicsan yihiin, u kaadsiinyo daran yihiin, isuna dhiibi og yihiin.

Barqo khamiisaad ayaan baraarugay markaan habeenkii iyo subax horaadkii oo dhan hurdo raaxa leh kusoo qaatay. Waxay ahayd inaan maalintaas guriga nin caddeeya u keeno, waayo, aniga iyo Daahir waxaan isu diyaarinaynay aroos dhakhso leh. Daahir wuxuu hore u soo baddaley sariirihii, maacuunkii iyo alaabtii hore oo ninkaygii dhintay. Wuxuu guryihii ku soo sharraxay guur-dhis casri ah. Maalmahaygii asaayeed dabayaaqo ayay ahaayeen. Waxaan, anoo arrimahaas ku fakaraya rumayna afka ku walaaqaya fariistay fagaagga aqalka. Waxaan u dhego-taagay guux fatuuradeed oo iridkiisa istaagtay. Irridkii ayaan jalleecay, waayo, waxaan filayey imaatinkii Daahir oon ballansanayn. Waxaa irridkii kasoo galay ruux aad u suurad eg ninkaygii dhintay. Wuxuu kaliya oo qofka soo galay ninkaygii kaga geddisnaa timaha dheer oon muddo bir taaban iyo garka cuunka ah oo dhaban ilaa kan kale buuxiyey. Qofku wuxuu lalansanayey boorso weyn. Isagoo qosol aan mawjado lahayn gaws-danbaydka muujinaya ayuu tallaabooyin gaasiran dhankayga u soo qaaday. Fajac ayaa iga soo haray. Indhaha ayaan ka gabad-gabad siiyey si aan u hubiyo aragga indhahayga i tuseen. Isla markiiba af kala qaadkiisii ayaan gartay markuu shan tallaabo ii soo jiray. Xirsi buu ahaa. Fikrado badan baa maskaxdayda isku jiiray. “Waa maxay maydka socdaa?” ayaan isweydiiyey. “Ma qiyaamihii baa dhacay, isagaa dadka lasoo noolayn jiraye? Waxaani ma run baa mise waan riyoonayaa?” Waxaan hubin waayey xaal siduu ahaa. Waxaa i aamusiyey argaggax iyo yaab. Weli waxaan rumaysan la’aa oo ku dhaygagsanaa ruuxa ii soo jiray meel aan gacanta kala gaaro.

“Haye, Caasha?” ayuu ruuxii igu salaamay isagoo ka yara shakisan danayn la’aantayda aanan u digtoonayn soo dhoweyntiisa.

Anoo miyir la’ ayaan inta halhaleel u istaagay isagii isku halgaaday oo sidii geed-saarkii surka isaga maray wajigayga oo xabadkiisa ku tiirsan ayaan la boodey oo dhaayahayga foolkiisa la qoortay, si aan u hubiyo Xirsi oo mar iga dhintan markanse nool. Mawjado baroor ah ayaan qufacay iyadoo indhahaygu ilo biyo ah maaxanayaan. Intuu kor ii dafay oo gacmihiisii ii goglay buu laabta igu qabtay oo qolkii hurdada ila aaday. Sariirtii buu i dul saaray oo harka dhabannadeyda sacabbadiisa uga tiray. Isla markiiba meeshii baan ku suuxay.

Daqiiqadaa dabadeed ayuu xlskii igu soo laabtay. Sariirtuu dhinac kaga fadhiyey markaan indhaha kala qaaday. Fakar, dhaygag iyo fajac ayuu isna markiisa la baxsanaa. Wuxuu isweydiinayey waxaan dabeecadahaa uga dan lahaa oon u soo dhaweyn waayey.

“Caasha, maxaa dhacay?” ayuu isagoo yaabban i weydiiyey. Waxaan ku hadlo ma aqaan. Dibnahaygii ayaa dibaaxiyey. Dhabtiisa ayaan isku tuuray oo surkiisa gacmahayga ku maray. Isna dhunkasho ayuu marba dhinac iila raacay.

“Waa maxay garkaan dheeri?” ayaan iri anoo farax awgiis qosol gariiraya, garkiisana salaaxaya.

“Waa garkii guusha.” Jawaabtiisii go’nayd ayey ahayd. Wali aniguu yaab iyo dhaygag igula maqnaa. Indhihiisii buu inta iga gooyey, aragti ku dhuftay alaabtii cusbayd oo aqalka tiil.
“Waa maxay isbeddelkaani?” ayuu i weydiiyey isa-goo yaab wajiga la kaduudaya.
“Inta aanan su’aashaada ka jawaabin, sidaada ma nooshahay mise mayd socda ayaad tahay?”

Filasho la’aan ayuu gafuurka la taagay. “Naagtu su’aal xumaa!” buu malaha isweydiinayey.
Dhacdadii i soo martay ayaan dabo ilaa daraf uga sheekeeyey. Xaggiisa ayaan milicsaday markaan warkii dhammeeyey isagoo indhihiisu la dhaldhalaalayaan illin iskeed isu idantay.

Shanqar saameed ayaa dhankii albaabka kasoo degtay. Mahdi ayaa soo muuqday, wuxuu indhaha la raacay aabbihiis oo nin qalaad ula ekaaday. Xirsi garkiisa dheer iyo timahiisa batay ayaa Mahdi maan gaday. Xirsi ayaa wiilkii dafay, iyadoo uusan inanku weli ka qalo bixin.

“Aabbo miyaadan i garanayn?” Xirsi ayaa yiri isagoo Mahdi dhabannada midba mar ka dhunkanaya.

Si farxadi ku jirto ayuu Mahdi u yiri, “Aabbo ma aakhiraad ka timid? Adeerkay baa ii sheegay in oo aakhiro aaday.”

“Goobtii dagaalka ayaan ka imid,” Xirsi oo weydiintii inankiisu danqisay ayaa yiri.

“Intee Amxaar dishay?” ayuu haddana ku su’aaltamay.

“Boqollaal!” Xirsi oo ilka caddaynaya ayaa yiri.

“Aniga markii aan weynaado oon askari noqdo, kun-kun waa dilaa,” Mahdi baa ku faanay, “Oo Aabbe aakhiro ma ku noqonaysaa markoo kale?”

“Hadda maya,” buu jawaabtii inanka ugu soo gaabiyey.

Saacad dabadeed, dad badan oo imaatinka ninkayga maqlay baa gurigii ku soo qulqulay. Badankoodu waxay ahaayeen dadkii aan ayaantii hore ka masayray markay tacsiyeynta iigu yimaadeen. Xaaladdii xumaatay caadigeedii bay kusoo noqotay.

SHEEKOOYINKA GAAGAABAN EE SOOMAALIDA

Guud ahaan suugaanta Soomaaliyeed, waxay ahayd mid afka uun ku eg oon qoraal gelin intii ka horreysay qorista Farta Soomaaliga. Taa macnaheedu ma aha inayan Soomaalidu lahayn qaybaha suugaameed ee aan soo sheegnay. Wey lahayd qaybahaa suugaameed, tixdu haba ugu badnaatee.

Xagga mala-awaalka, waxay Soomaalidu hodan ku ahayd sheeko-baraleyda iyo sheekooyin kale oo dhaqameed oo ku aabbe yeelanaya sheekada gaaban.

Sheekooyinkaas, yeyba qornaan, kamase marnayn xubnaha aan u kala qaadnay sheekada gaaban sida rakibka, jilayaasha, degaanka iyo muddada iyo wixi la mida. Hagaha sheekooyinka Soomaaliyeed wuxuu ahaa war-tebiyaha qofka saddexaad. Bal u fiirso sheekadan:

Beri baa habar-dugaag oo dhammi neef xoolo ah soo disheen. Hilibkii neefka bay u soo wada safteen. Libaax oo boqor xayawaanka ahaa ayaa dhurwaa ku amray inuu hilbaha xayawaanka u qaybiyo, isagana u sad-buriyo.

Dhurwaagii isagoo faraxsan ayuu hilibkii kala baray. Si isku kalsooni leh ayuu libaaxii ugu yiri, “Boqorow, hilbaha kala baray. Bar adigaa boqorkayagii ah ee qaado, barka kalena intayada kale oo habar-dugaag ah ayaa qaybsanayna.”

Libaaxii baa qaybtii dhurwaaga ka carooday. Dhurwaagii buu il-xun ku dhugtay oo dharbaaxo dhabanka uga ballaarshay.

Dhurwaagii daan baa jabay, ilina way ka dhacday. Halkii buu isagoo gagabsan ka cararay.
Libaaxii dawaco ayuu u yeertay. Wuxuu ku yiri, “Naa dayoy, adaan qayb caaddila kugu ogaaye, hilbaha inoo qaybi oo sadkaygii ka sooc hilbaha.”

Dawaco iyadoo baqsan bay hilbihii isku taagtay. Libaaxii bay daymootay. Misana waxay milicsatay dhurwaagii oo weli taahaya, madaxana haysta. Hilbihii bay midba mar kor u qaadday oo meel isugu geysay. Goortay hilbihii meel isugu wada ururisay bay libaaxii u tagtay oo ku tiri, “Islow, hilbaha wada qaado adaa qayb u wada helaye.”

Libaaxii baa qosol iyo farax kula qancay qaybtii dawacada. Neefka hilbihiisii oo dhan buu qaatay. Dawacadii buu inta u yeeray ku yiri, “Dayay, yaa qaybtaan caadilka ah ku baray?”

Dawaco intay qososhay bay waxay tiri, “Dhaban dhurwaa dharbaaxadii ku dhacday baa qaybta noocaas ah i bartay.”

Sida sheekadan ka muuqataba, sheeka-baraleyda Soomaalidu waxay xambaarsan yihiin murti iyo maaweelaba. Sheekooyinka noocaas ah waxaa ka baxa hal-qabsiyo, maahmaaho iyo murti kaleba. Maahmaahyada Soomaalidu badankoodu sheekooyin noocaas ah ayey gunta ku hayaan sida: Waraabe nimaan aqoon baa weylo raacsada! Hadal hadduu waxtarayo Dhagaxtuur baa geelisii ku dhacsan lahaa, iyo kuwo kale oo badan.

ERAY-IFTIIMIS

Arbe (Hero): Waa maroodiga weyn ee lab. Halkaan wuxuu ugu macnaysan yahay jilaha dhiifoon ee sheekadaas suugaameed ku xudduman tahay.

Jile (Character): Waa abuur loo doortay tilmaamo dhisi kara ama kobcin kara noocaas mala-awaal oo uu khuseeyo.

Jiraal (Factual Literature): Waa lidka mala-awaal. Waa suugaan aan la soo magoogan sida mala-awaalka, ha yeeshee, run cuskan.

Xumaanley (Villains): Waa shakhsiyaadka u boholo-dumiya arbaha lehna tilmaamo xumaan iyo xeer-dumis ula muuqan kara akhristaha.

Deegaan (Setting): Waa meeshii ama fagaarihii ay dhacdooyinka mala-awaalkaas ku jiraa ka dhaceen.

Dhacdo (Happening/Scene): Waa fal ama falalka xiisaha leh oo tiirar u noqon kara dhismaha noocaas mala-awaal.

Dhito (Content): Macnaheeda qaamuuseed waa dhigaalka caanaha ama wixii kale oo isticmaal dambe loo keydsado. Halkaan macnaha ay ugu jirtaa waa waayo-aragnimada uu buug xambaarsan yahay.

Qaab-Duleed (Topography): Waa kala-sarraynta dhulka ama deegaankay dhacdooyinka ku salaysan sheeko la xiriira ugaarsi, fakasho, dagaal, ama sirdoon ka hana qaadaan.

Raad-Reeb (Atmosphere): Waa saameynta uu nooc mala-awaal ahi uga tago dareenka akhristaha.

Rakib (Plot): Waa dhisidda iyo kala hormarinta aaraa’da noocaas suugaameed ku jira.

Luuq (Tone): Waa siiqadda. Waa gudbinta ama taabsiinta biriirta iyo qamandhacada dareen-gujiska leh ee uu noocaas suugaameed xambaarsan yahay.

Qof-ka-Hadal (Biography): Waa nooc suugaameed oo ku saabsan taariikhdii, hab-nololeedkii iyo if-baxdimihii ugu xiiso badnaa qof gaar ahi.

Curis-Dhallaan: (Sub-Paragraph): Waa curris ama nud gaaban oo ka farcantay curis weyn, ee qormo ku jira.

Mar-Dhac (Incident): Waa dhacdo xiiso badan.

Maqaal Baahsan (Formal Essay): Waa qayb suugaameed oon dherer badan lahayn oo aragti guud oon qof ku koobnayn ka bixiya arrin dhaqan ama mid bulsho.

Maqaal Bayrsan (Personal Essay): Waa qormo suugaameed oo kooban oo aragti qof u gaar ah ku qeexa xaalad bulsho ama dhaqameed.

Mala-Awaal (Fiction): Waa qaybaha suugaameed ee run dhacday ku salaysnayn, ha yeeshee, maan cuskan, suura galna noqon karta.

Habaynta Fileed (Chronological Organization): Waa u kala hormarinta dhacdooyinka siday u kala da’ weyn leeyihiin.

Habaynta Meelaynta (Spatial Organization): Waa xiriirinta deegaamada ay ka dhaceen dhacdooyinka ku jira qoraalkaas iyo kala durugsanaanta waqtiyadii ay dhaceen.

Habaynta Suuragalnimo (Local Organization): Waa u kala hormarinta aaraa’da ku jira qoraalkaas si ayan maangad u noqon oo fakarka akhristayaasha uga hor imaan.

Iska-Hadal (Autobiography): Waa taariikh, hab-nololeed iyo dhacdooyin kale oo xiiso leh oo uu qof iska qoro intuu nool yahay.

Sheeko-Baraley (Fairy Tales): Waa sheekooyin mala-awaal ah oo ku saabsan waxyaalo abuuris dahsoon oo abuuris sare leh sida jinniga, shaydaanka, rooxaanta iyo wixi la mida.

 

BUUG-KAASHI

Cabdullaahi Maxamuud Jimcaale, Abuuridda Qoraalka: Sheekada Gaaban, (Muqdisho 1977)

Gunnar Horn, A Cavalcade of America Writing, (U.S.A. 1961)

Walter Blair (University of Chicago), John Gerber (State University of Iowa) and Eugene (State University of Iowa), Better Reading Two: Literature (U.S.A. 1961)

Robert M. Gorrell, (University of Nevada), Charlton Laird (University of Nevada), Modern English Handbook, (United States of America 1967)

 

Mahadsanidiin

Gobolka Gedo iyo Ururka Al-Itixaad Al-Islaami

GOBOLKA GEDO IYO URURKA AL-ITIXAAD AL-ISLAAMI: MAXAA RUN AH? MAXAANSE AHAYN?

AXMED F. CALI “IDAAJAA”

NOFEMBAR,  1994

ROMA—ITALIA

 

HORDHAC

Saaxiibbeyaal… akhristeyaal: Qoraalkan oo aan ku magacaabay: “Gobolka Gedo iyo Ururka Al-itixaad Al-islaami: Maxaa run ah? Maxaan ahayn?” wuxuu ku dhisan yahay sodcaal 100 maalmood ah oo aan gobolkaas ku tegey intii u dhexaysey bilihii Juun ilaa Sibtembar ee sannadkaasu, 1994ka. Ma ahayn arrin aan iyada kabaha u illaday oo markii hore ii qorshaysnayd. Waxay igu dhalatay kaddib markaan gobolka bil joogey oo aan arkay sida laanta Gedo ee urur-diineedka Itixaadka lagu magacaabaa ay u saamaynayso nolosha siyaasadda, midda dhaqaalaha iyo midda bulshada ee dadweynaha halkaas deggan.

Waxaan la kulmay dad badan… dad aan 50 ka yarayn… waa culimmo; waa odayaal madax ah… waa saraakiil ciidan… waa dhallinyaro wax soo baratay iyo kuwo aan wax soo baran. Waa dad Itixaadka ka tirsan iyo qaar ka soo horjeeda… waa dad SNFta u ol’oleeya iyo kuwo aan la tusi karin! Intaasba waa la kulmay. Waxaan, dabadeed, isku deyey inaan baalasha soo socda ku muujiyo hawlaha ay Itixaadku Gedo ka hayaan: Caqiido ahaan iyo siyaasad ahaanba. Sidoo kale, waxaan taabtay xiriirka ay la leeyihiin bulshada degaanka, gaar ahaan Ugaaska tolka gobolka dega, odayaasha jilibbada iyo hoggaanka jabhadda SNFta oo ah midda ay dadweynaha gobolkaasi taageeraan.

Maanta iyo shalayba, welwelkaygu wuxuu ahaa, mar walbana yahay in dalka Soomaaliya uu ka dhaco dagaal diin ku dhisani, ka dib markuu u burburay mid qabiil ku dhisan oo adduun iyo aakhiraba seejiyay! Sidoo kale, waxaan ka welwelsanahay inuu dalkeennu mar kale u gacan-galo diktatooriyad qof ama kooxi hoggaamiso oo shacbiga soomaalida gumeysata. Waxaan ogahay inaan diinta Islaamku oggolayn xukunka qof keligiis gacanta ugu jira, haddii xataa uu qofkaasi yahay midka aadanaha ugu anshaxa wanaagsan, alla-ka-cabsi badanna ku tilmaaman.

Haddii, kolka, markii aad qoraalkan dhammayso aad ka welwasho arrimaha aan anigu ka welwelaayo, waxaan isku hambalyayn doonaa inaan ka gaarey dantii aan ka lahaa. Ugu dambaystii, marka laga reebo wararka aan dadkii ii sheegay cuskiyey, aniga ayaa mas’uul ka ah dhammaan fikradaha iyo sheekooyinka qoraalkan ku jira.

 

-I-

Beledxaawo, amaba sidii waayadii hore loo yiqiin Buuloxaawo, waa magaalo yar oo ku taal cirifka ugu baalleeya Gobolka Gedo oo isna ku yaal koonfur-galbeed Soomaaliya. Waxay soohdin hal kiilomitir ka yar la leedahay Mandheera oo iyaduna ku taal cirifka ugu baalleeya Gobolka Waqooyi-bari ee Keenya, 1963kii ka horna loo yiqiin En.Ef.Dhii (Northern Frontier District – NFD). Gedo oo idil sida lagu yaqaan, waxay B/Xaawo ku tilmaaman tahay cimilo kulul, asii qallalan oo lahayn hawada qoyan oo u daran dadka lafaha iyo kalaggoysyada ka sheegta. Berigii ay dawladdii soomaalidu jirtey, waxay ka mid ahayd magaalooyinkii loo aqoonsanaa ‘dekedaha’ ee ku dhisnaa ganacsiga soodejinta iyo weliba dhoofinta, dakhli aan yaraynna waxay soo gelin jirtey dawladdeeda hoose iyo tii dhexe oo Xamarba.

Waxaa beryahaas, subax noolba, suuqyadeedii waaweynaa u soo dukaansi-tegi jirey dadweyne faro badan iyo rag ka tirsanaa ciidammadii Keenya ee Mandheera fadhigoodu ahaa; halkaasoo ay ka heli jireen qalabka aan cuslayn, asii waxtarka leh, ayna soo ifbixisay teknoloojiyada Jabbaanku, sida saacadaha, raadiyeyaasha mawjadaha gaggaaban leh, kaamerooyinka, telefishannada iyo weliba dharka kala duwan oo ka kala imaan jirey Yurub, Hindiya iyo dalalka Carabta. Ganacsatada magaaladu waxay iyaguna dalka Keenya ka keeni jireen oo ay Muqdisho gaar ahaan Via Egitto ka soo buuxin jireen badeecooyinka kala ah sigaar, saabuun, jaadariyo, barkimooyin, weelka cinjirka laga sameeyo ee biyaha lagu dhaansado, dharka nooca loo yaqaan buljiga iyo, sidoo kale, galleyda shiidan.

B/Xaawo iyo Mandheera siday u ahaayeen laba magaalo oo iskaabta oo aan midina midda kale ka maarmin, mid walibana ay ciidankeeda gaarka ah u lahayd ayaa la soo gaarey sannadkii 1991kii; sannadkii aanay soomaalidu herdidiisii ka ducaysan ee ay guuldarradu ku soo waabberiisatay! Wax waliba si degdeg ah ayay isu beddaleen; waase dhinaca B/Xaawo keliya. Bishii Jannaayo ilaa Maarso ee sannadkaas, hannaankii dawladnimada soomaalidu siduu meel walba oo kale uga burburay ayuu B/Xaawana uga burburay. Waxay isu beddashey magaalo kala-dambayntii lumisay oo ay waddo walba taagan yihiin kooxo ku hubaysan hub nooc walba ah oo laga boobay xeryihii Xoogga Dalka Soomaaliyeed; xeryahaas oo u gacan-galay kolba qabiilkii degganaa magaalo kasta oo ay ku yiilleen. Derbigii dawladnimo ee ay ku tiirsanayd kolkuu dumay ayay iyaduna duntay, Mandheerana irdaheedii ayay xiratay, maamulkeeduna wuxuu beddalay habkii deriswanaagga iyo maamuuska lahaa ee uu kula dhaqmi jirey maamulkii B/Xaawo oo isna beryahaas isku dhabar-jebiyey, asii aan ku guuleysan inuu isu muujiyo inuu sidiisii hore yahay oo Jamhuuriyaddii Soomaaliya ay weli nooshahay! Dedaalkaas maamulkii u dambeeyey ee B/Xaawo meelmar ma noqon, iyaga iyo dadweynihii ay matalayeenna waxaa loola dhaqmay si xil leh. Waxaa loo arkay sidii iyo wixii ay ahaayeen: Dad aan lahayn cid hoggaamisa oo haddii ay wax geystaan aan lahayn xafiis looga ashtakoodo… yar iyo weynba, dad wada hubaysan oo saanadda culus iyo midda fududiba ay 24 saac kasta dhinacooda ka holcayso, weliba iyada oo aanay jirin qolo kale oo ku soo duushay! Xaruntii Muqdishaad ee loo safri jireyna way xirantay. Siday weligeed u soo ahayd magaalo u dhexaysa ummadda soomaalida oo idil ayay muddo aad u gaaban waxay ku noqotay magaalo tol keliyihi leeyahay. Waxaa qabsaday qabiil ay colloobeen midka dega B/Xaawo iyo Gedoba.

Halka keliya ee dadka u furrayd oo ay cunto iyo isgaarsiinba ka heli kareeni waxay noqotay Mandheera. Labadaba way ka heleen, hase yeeshee kharash badan bay ugu kacday: Quursi, laaluush, dil, jirdil, kufsi iyo dibindaabyo guud oo aan madax iyo manjo loo kala soocin. Maamulka iyo Booliska Mandheera waxay labaduba go’aansadeen, in badanna ay fuliyeen in soomaalida si wadajir ah loo ciqaabo, mar walba oo uu midkood ku galo dembi dhinaca Keenya! Dad yar bay la ahayd in arrintaas laga dacwoon karey, inta badanse waxay rumaysnayd inaan dacwo waxba tarayn, wixii ay askarta Keenya Reer-Beledxaawo ku samaynayeenna ahaayeen wax ay mudan tahay cid kasta cid kasta oo dumisa derbigii dawladnimo ee ay ku tiirsanayd! Taas oo lagu qancay baa, malaha, sabab u ahayd, dhibaatada dadka ku dhacaysey xaddi kasta ha le’ekaatee, inuu falcelisku yaraado, mar walbana maskaxda lagu hayo baahida weyn ee ay dadku u qabeen toddobaadkiiba labada maalmood ee ay albaabbada Mandheera u furraayeen, loona oggolaa inay gelinka hore ka soo adeegtaan.

In kastoo ay dhibaatadaasi ku dhacaysey, in kastoo dagaalladii dalka ka qarxay ay dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaaba kaga qaybgelaysey, in kastoo dad badan oo aysan qaadi karin, Xamarna ka soo qaxay uu degmaystey, haddana waxay muujisay inay ahayd magaalo ka adadag dubbaha ugu horreeyaa mid uu dumin karo. Bishii Luulyo ee ’91kii weli suuqyadeedii waaweynaa way lahayd, weli ganacsigeedii wax qumman isma dhimin, bacadlaha dharkuna wuu buuxay, welina kii Xamarweyne ayuu u muuqaal-ekaa!

Tilmaantaasu waa mid hore oo ay magaaladaasu beri lahayd, maantana waxay leedahay tu kale oo aan ku tashanahay, si teelteel ah, meelo dambe oo qoraalkan ka mid ah inaan wax kaga xuso.

 

-II-

Xaafadaheada tii aad doonto xalayto ku hoyee, markii aad B/xaawo joogto waxaa iska caado ah inaad faras-magaalaha barqadii u soo saqaafto oo aad ku biirto dadka shaqada iyo rajadaba la’ ee aanay maalmahooda maalinna tan kale ka duwanayn! Waxaa la hor-fadhiyaa waabab yaryar oo ramaali laga sameeyey: tiirar iyo laamo dhuudhuuban oo dhirta miyiga laga soo jaray, siligna uu isu hayo, dushana lagaga daboolay balka baarta webiga ka ag-baxda, caws ama qayb ka mid ah teendhooyinka ay hay’adaha samafalku deeqda u bixiyaan. Dhismeyaashaas oo loo yaqaan ’buushash’, waxay dalka oo dhan aad uga soo shaac-baxeen wixii ka dambeeyey burburkii dawladdii soomaalida; iyadoo uu qofkii doonaaba ka dhistay meel kasta oo, haddii ay dawladi jiri lahayd, aan loo oggolaadeen sida waddooyinka magaalooyinka, dhismeyaasha dawladda hortooda iyo beeraha fadhiga dadweynaha iyo neefsiga degaammada loogu talo-galay. Buushashka oo ah astaan ka mid ah astaamaha nidaamdarrada ay dawlad la’aantu keentay waxay dadka iska lihi ugu adeegtaan makhaayad amase baar ahaan, maalinta oo dhan waxa lagu gadaana kama badna saddex ama afar tarmuus oo ah shaah caddays ah iyo dhawr koonbo oo caano ah. Waxa lagu fariistaa kuraas loox ka samaysan oo raaxo daran, kiibana saddex qof loogu talo-galay. Waxaad mooddaa dadka iska lihi inay dulqaad u leeyihiin rag badani inay kuraasta buuxiyaan, iyaga oo aan shaahana cabbayn, caanana gadanayn, sababta oo ah awoodda waxgadashada oo aad u yar. Haweeney ‘makhaayadahaas’ middood lihi siday iigu sheekaysay, maanta waa dhif qof B/xaawo deggan oo awood u leh inuu isla helo cuntada lagama-maarmaanka u ah nolol-maalmeedkiisa iyo lacag dheeraad ah oo uu buushashka shaah caddays ah kaga cabbo!

Sidayda oo kale qofkii inta dhawr sano ka maqnaa ku soo noqdaa waxa uu, saboolnimada ka sokow, durbadiiba magaalada ka dareemi karaa arrin ama ifafaale cusub oo aan laba sano ka hor lagu arki jirin. Dadka buushashka hortooda ku sheekaysanaya waxaa ka dhex-muuqanaya niman dhallinyaro ah oo aad garan karto inay bulshada inteeda kale ka soocan yihiin: markii aad u fiirsato nooca xiriirka sheeko ee ay la leeyihiin ragga kale ee wada fadhiyaan iyo dharka gaarka ah ee ay xiran yihiin,

Waxaad wejiyadooda ka dareemi kartaa shaki dhowaan-gal ah oo ay ka qabaan bulshada inteeda kale; taasoo ay u haystaan, looguna sheegay inay tahay mid lunsan oo haddana col ku ah. Laba ama saddex kolkii ay dhan yihiin oo ay buush horti fadhiyaan, waxay jecel yihiin inay isu muujiyaan inay yihiin koox goonni ah oo ka digtoon wixii aan iyaga ahayn! Waxaa dhowaan loo qaybiyey surweello kaaki ah oo ah kuwa ‘jungle’ka loogu yeero ee ay askaruhu dagaallada ku galaan. Kaas ama mid kaleba ha ahaadee, surweel walba inta dhanka hoose laga soo laallaabay ayaa laga sarraysiiyey anqawga, si kubka intiisa badani u muuqato, ayna ugu noqoto astaan iyo tilmaan ay isku gartaan. Qaarkooda macawista xiran laftoodu waxba kama duwana kuwa surweellada, marka laga eego cabbirka la rabo inay maradu cirbaha ka soo fogaato. Badanaa waxay ka siman yihiin cimaamad cas oo in yar oo ka mid ah ay madaxa saartaan, inta badanna, si dherer ah, ay dhabarka uga laallaadiyaan, ahna nooca ay ragga reer-Sacuudiga ahi hagoogtaan. Intooda ay u suurowdo, mid waliba wuxuu xil iska saaraa inuu la baxo gar weyn oo la iska sii daayo… gar aan la oggolayn timaha dheeriga ah in laga jaro amaba la qurxiyo oo la simo.

Waqti badan uma baahnid si aad u ogaato dhallinyaradaasi inay ka tirsan yihiin urur-diineedka hubaysan ee lagu magacaabo Al-Itixaad Al-islaami; kaasoo aanay dad badani ogaal u lahayn wixii ka horreeyey burburkii dawladda soomaalida. Gef igu noqon mayso haddii aan ku andacoodo dhallinyarada ka tirsan 99% magaciisa wax dhaafsiisan inaanay ururkooda ka ogeyn! Dhawrkii bilood ee aan Gobolka Gedo joogey maan arag dhallinyaradaas mid ka mid ah oo, ha badnaato, hase yaraatee, wax iiga sheegi karey taariikhda iyo mabaadi’da ururka uu u heellan yahay.

Qaar ka mid ah markii aan si toos ah u weydiiyey madaxda sare ee ururka iyo goortii la asaasay, waxay ii muujiyeen su’aashaasi inay tahay mid aanay weligood isweydiin, anigana waxay ii arkeen nin ’faduul’ badan oo goob halis ah ku sii tallaabsanaya!

Waxaad mooddaa inay taasi u dhacday si ulakac ah oo siyaasadda hoggaanka sare ee Ururka ay ka mid tahay dhallinyarada, arrimaha diinta mooyee, inaan maskaxdooda, marxaladdan hore, lagu ‘mashquulin’ danaha kale ee siyaasadeed ee la rabo in, mustaqbalka cududdooda lagu xaqiijiyo. Waxa ay aragtidaasi kuu rumoobaysaa markaad ogaato inaanay jirin innaba wax qoraal ah oo ku saabsan danaha ururka ee muddada dheer ku qorshaysan iyo habka la doonayo in lagu fuliyo. ‘wax qoraal ah’ markaannu leennahay waxaannu u jeednaa mid la faafiyey iyo barnaamij qeexan oo looga gol leeyahay in lagu qanciyo xubnaha la rabo inay ururka ku soo biiraan, da’ iyo dabaqaddii ay noqdaanba. Inkiri mayno inuu jiri karo ama uu jiroba qoraallo qarsoodi ah oo ku saabsan qorshaha kama-dambaysta ah ee ururku leeyahay; kaasoo ku eg isticmaalka guddiyada sare, kolba meeshii amaba meelihii ay ku kala sugan yihiin.

– III –

Ruuxu ha degganaado ama booqasho ha ku marayee, hadduuba beryahan Gedo tago wuxuu dareemayaa baahi indheergaradnimo oo ku dhiirrinaysa wuxuun inuu ka ogaado ururka Al-Itixaad oo ah ifafaale ku cusub goobta siyaasadeed ee Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaanna gobolkaan aynu hadalkiisa hayno. Sow gar ma aha inaynu kolka derisno, haddii uu yahay urur magac diineed xambaarsan, asii aan qarinayn inuu yahay mid siyaasi ah? Urur ku hawllan inuu dalka soomaalida ku dhex-faafiyo fikir-diineed ku cusub oo si ulakac ah loogu beddalaayo hab-dhaqankii diinta islaamka ee ay culimmadii soomaalidu bulshadeenna dhexdeeda ka soo hirgelinaysey 12kii qarni ee ugu dambeeyey? Sow ma habboona inaynu derisno hadduu yahay urur hubaysan oo ciidammadiisa leh, rabana inuu dalka oo dhan gacanta ku dhigo, isla markaasna aan aamminsanayn tiirka ugu weyn diimoqraadiyadda oo ah mabda’a doorashada hoggaammada bulshooyinka? Sow gar ma aha inaynu xog-ogaal u noqonno haddii uu ku guuleystey inuu si buuxda u qabsado, una maamulo magaalo ka mid ah kuwa koonfurta Soomaaliya ugu magaca dheer, uguna faca weyn degaammada reer-beledka ah ee dhawrka qarni ka hor ka asaasmay webiga Jubba jiinkiisa? Haddii ay Luuq-Ganaane ka taliyaan, xoogna ku haystaan, sow waajib inaguma aha inaynu sababta ogaanno, isla markaasna aynu malayno tallaabooyinka xiga ee ay gobolka ka damacsan yihiini kuwa ay noqon karaan?

Intaasiba kolkii ay gar iyo dawba iigu muuqdeen ayaan go’aansaday inaan, adiga akhristaha ah, ku nasiyo oo aan anigu hawsha badankeeda dhabarka u rito… waxaan goostay, anigoo ka fogaanaya laablakac iyo eexba, inaan ku ogeysiiyo qayb ka mid ah wixii aan ogaaday, adigoo ka badbaadey sodcaalladii hawkarka badnaa iyo canaabtii ay baaristaasi i marisay. Kolka horese, aan kaa kaxeeyo Beledxaawo oo intaan Doolow ku mariyo ku geeyo Luuq-Ganaane, halkaas iyo webiga jiinkiisana aan kaaga soo tebiyo wixii xog ah oo mudan inaan kuu soo tebiyo.

Waa i kaas aniga oo jeeniqaarsan abxaddaydii yarayd ee haragga ka samaysnayd, una boqoolsan waddada la dhigo baabuurta ay dadweynuhu Luuq u raacaan. Baabuur yar oo ah farsamada Jabbaanka, nooca Toyota Pick-up ayaa u horreeya. Waxaa iga horyimid kaarigii oo ii sheegay inay shirka meeli ka bannaan bahay… waxaan bixiyey 20,000/= oo shilin, anigoo ku faraxsan inaan shirka meel ka helay… iyo inaan ka nabad-geli doono habaaska xad-dhaafka ah ee dadka dusha saaran indhaha ka ridi doona! Socotada intooda badani way ku qasban yihiin inay dusha kiraystaan, shirkana ma haweysan karaan, maxaa yeelay bixinta kirada intaas le’egi waa astaan ladnaansho oo aan beledka ka jirin!

In kastoo shirka gaariga loogu talo-galay wadaha iyo ruux rakaab ah oo qura, haddana waxaan kula kulmay gabar xijaaban oo hortay laga kireeyey, kursigii aan keligey fariisan lahaana ku sii fadhida! Taas oo kale markay arkaan, dadweynuhu ma yaabaan, waana wax la isaga bartay, gaar ahaan afartii sano ee ina dhaaftay, ruux walibana uu isagu dawladda isu ahaa. Baabuurta Soomaaliya maanta ku dhex—socotaa tirsi (taargo) ma leh, waraaqo lahaansho ma leh, qaarkood nal ma leh, mana jiraan wax kuu muujinaya wadeyaashu inay, haba yaraatee, wax tababbar ah waana soo qaateen! Wax yar mooyee, intooda badani waa bililiqo—ku-hel… waana baabuurtii laga boobay qarankii soomaaliyeed ee burburay; hay1adihii ciidammada iyo kuwii rayadka ahaa dirkaba. Baabuur waliba ‘il dhaqaale’ ayuu u yahay reer ama reero idil oo noloshooda ka suga. Wade waliba wuxuu, sidaas awgeed, isku dayaa inuu gaarigiisa ka majuujiyo dheefta ugu badan ee, mar alla markii uu safroba, uu ka majuujin karo. Masruufka reerka ama reeraha ka sokow, wade walba waxaa laga doonayaa inuu gaariga ka soo saaro kharashka shidaalka iyo kolba biraha ka xumaada beddalkooda; kuwaasoo, haddii la heloba, aad qaali u ah. Sidee baa, kolka, loo hurayaa in rakaabka ugu badan iyo xamilka ugu culus gaariga gurada loo saaro, iyada oo aan dan laga gelin awoodda wax-qaadkiisa iyo xeerarka waddooyinka ee ay fog tahay kolka ay wadeyaasha soomaalidu dib u xusuusan doonaan!

Si kastaba ha ahaatee, kowdii iyo barkii duhurnimo ayaan ku fariistay kursigii inanta iyo aniga nalaga wada kireeyey. Waxay isku dayday inay iga yar durugto, ha yeeshee wax qummani uma suuroobin. Meel ay u durugto oo bannaan ayaanba jirin! Wuxuu ahaa kursi aad u kooban oo i xusuusiyey maahmaahdii ahayd, ’harag sagaaro iiga kac mooyee, iiga durug ma leh’. ciriiri badanaa, baabuurkuse gaabiyee! In yar kolkuu socdaba intuu kululaado ayaa la joojinayaa oo haanta iyo habka qaboojinta biyo lagu shubayaa. Waddada hareeraheeda, dhulku waa agan. Gugii dhowaa iyo dayrtii ka horreysey midna ma helin. Waa geedgaab qallalan oo ay qorraxdu dubatay iyo habaas kulul oo shaaggii la rogaba baabuurka iyo inta saaranba wada qarinaya. Hadba hortaada ayaad, si kedis ah, ugu arkaysaa leexo isgalluubtay oo aad ul mooddo, cirkana isku shareeraysa… waa astaan ka mid ah astaamaha lama-degaannada oo ku tusinaysa baahida biyaha iyo kaymaha ee qaybo badan oo dhulkeenna ka mid ah la liitaan.

Dhabbuhu waa camuud ruubad ah iyo dhagax kolna uu shaaggu tafaayo, kolna uu ka soo hoobanaayo, asii laami siman loo qaadan karo, markii loo eego waddooyinka kale ee isku xira lixda degmo ee uu gobolka Gedo ka kooban yahay. Dadka badankiisu waddada xumaanteeda kama sheegtaan, maxaa yeelay meelo gobolkooda ka baxsan uma sodcaalaan, sidaas darteedna, wax dhaama oo ay garab—dhigaani uma jiraan! Waduhu waa qayilayaa, waxaana u shidan cajalad si xun u duuban oo uu ka dhegeysanaayo qaar ka mid ah heesihii jacaylka ee Khadra Daahir. Dhilashada qaadka iyo wadista gaariga markuu ku dari waayey socodsiinta cajaladaha ayuu gabadhii oo xigtey ka codsaday inay iyadu hawshaas dambe ku qaybto. Si fiican bay uga soo dhalaashay, ilaa uu madaxii igu yar xanuunay! Anigoo u bartay ciriirigii aan ilaa Beledxaawo ku soo jirey ayay arrin cusubi soo korodhay. Si kedis ah ayaa baabuurkii loo joojiyey, ka dib markii ay rakaabkii dusha saarraa qaarkood ay sidaas weydiisteen. Show nin baa xanuunsaday. Show wuxuu ka baqay, hadduu dusha sii saarraado, inuu mantago oo uu ka sii daro. Wuxuu goostay inuu qoladayada shirka ku soo biiro! Wadaha ayuu adeer u ahaaye, go’aankiisii waa u fulay! Isaga oo qaadkiisii midigta ku sita ayuu shirkii ka soo koray dhinaca wadaha, lana qaybsaday kursigii isteersada! Wadihii gabadhii ayuu ku soo janjeersaday, gabadhiina aniga ayay igu soo dhacday, aniguna daaqaddii baan ku malaasmay! Ninkii soo kordhay iyo wadihii toonihi ‘raalli ahaada’ gabadhii iyo aniga nama oran. Waxaannu noqonnay sidii kalluun la ridqay oo qasacad yar inta lagu shubay lagu laxaammaday!

Laba saacadood ka dibba, waa Doolow oo ku taal daanta bari ee Webi Daawo, soohdin-biyoodna la leh soomaalida galbeed ee raacsan Itoobiya. Waa magaalo magac dheer oo da’ weyn, asii aan wax kale u dheerayn. Dhanka aan kaga nimid markaad ka soo gashaba, waxaa midigta kaa qabanaya dhismeyaal dawladeed oo, burburka dhowaan soo gaarey aawadiis, aad moodeyso inay boqol-jir yihiin, in kastoo aanay, da’ ahaan, 30 sano wax qumman ka weyneyn. Magaalooyinka gobolku siday u badan yihiin, ganacsiga Doolow ka socdaana waa shaaha iyo caanaha buushashka lagu gado. Dhirta waaweyn ee webiga jiinkiisa ku sariiran ayaa iyagana hoostooda wax lagu kala iibsadaa. Malahayga, waxa ugu wanaagsan ee ay soomaalidu webiyaasheeda ka heshaa waa dhirta haraca ah ee ka ag-baxda, ayna kulaylka qorraxda kaga gabbato. Inay ku oon-baxaan iyo inay xoolaha ka waraabsadaan mooyee, soomaalida weli way u dhimman tahay inay barato siyaabaha kale ee lagaga faa’idaysan karo biyaha webiyaasha.

Aniga oo meel buush ah hor-fadhiya oo karuur geel ku fiiqsanaya, kuna maqan aayaha soomaalidu waxa uu ku dambayn doono ayaan ku baraarugay guuxii matoorka baabuurka oo u darban inuu dhaqaaqo. Halkii aannu u soconnay iyo Luuq ayaannu u carrawnay, annaga oo adeegsanayna waddo tii galabta ka duwan, asii aan ka raaxo badnayn. Waa waddo dhisan oo toosan, ayna ka muuqato inay faro aadane beri hore taabteen. Sannadkii 1934kii ayaa waxaa dhisay maamulkii Faashiga ahaa ee Talyaaniga, xilligaasna ka talinaayey Soomaaliyada koonfureed, waxayna qayb ka ahayd dedaalkii dagaal iyo ol’olihii askareed ee ay xukuumaddii Mussolini ku qabsanaysey dalka Itoobiya. In kastoo dhismahaas lags joogo 60 sano oo gaw ah, haddana markaad aragto kaabadaha badan ee biyo-mareennada ka dul-dhisan, welina aan jajabin iyo laamiga meelaha qaarkood ilaa hadda saaran ayaad ka yaabaysaa ‘raadkaas ilbaxnimadu’ siduu ugu cimriyey bartamaha bedownimada!

Waxaan gurguurannaba, siddeeddii fiidnimo iyo xoogaa markay ahayd oo aannu, malaha, magaaladii Luuq ku dhownahay ayaa qoladayadii shirka fadhiday wax iska beddaleen, gaar ahaan wadihii iyo adeerkiis oo, mindhaa, xanuunkii hayey daayey kolkii uu dhab u marqaamay! Labadiiba qaadkii afka ugu jirey ayay iska tufeen, kii noolaana waa qarsadeen… sigaarkii ay cabbayeen ayay iska baqtiiyeen, kii baakadyada ugu jireyna waxay gashadeen kursiga hoostiisa, ugu dambaystiina heesihii bay iska damiyeen. Luuq oo aan intaasba laga oggolayn, qofkii lagu helana lagu ciqaabo, ayaa isha baalkeeda ah. “Waa magaalo la haysto… waa meel gacan-gashay..” waxaa yiri wadihii oo, ay hubaal ahayd, inuu ka xumaaday inuu qaadka tufo oo, uu sidaas ku marqaan-jabo! Intii aanan haaraankiisii ka faalloon ayaan soo joogsannay kaabaddii weyneyd ee webiga labadiisa jiin iyo magaalada isku xirasey. Labada dhinacba waxaa ka fadhiya oo qoriga AK—47 ku ilaalinaya dhallinyarada ka tirsan Al-itixaad; kuwaas oo qaar ka mid ah gaarigayagii la soo saaray, si ay u hubiyaan in aannaan ka leexan rugtii hore ee Booliska Degmada oo qasab laga dhigay ruux kasta oo socoto ahi maro, ka hor inta aan gelidda magaalada loo oggolaan! Dunidu waa gudcur maararruugle, waxaana xerada dhexdeeda wax looga ifsanayaa dhawr toosh oo loo kala amaahanayo baanjinta abxadihii tirada badnaa ee dadkayagii sodcaalka ahaa ay siteen. Waxaa naloo sheegay qof waliba inuu abxaddiisa furo, una diyaariyo in la baaro. “Maxaa laga baarayaa?” ayaan weydiiyey inankii aniga baaristayda loo qaybiyey. Sidii isaga oo aad mooddo inuu ka jawaabayo arrin wax badan la haybiyey oo uu jawaabteeda qaybsan yahay ayuu yiri, “Qaad iyo sigaar!”

-IV-

Meel hore oo qoraalkan ka mid ah sidii aan ku soo xusnay, magaalada Luuq oo Gobolka Gedo ka tirsan waxaa haysta oo si buuxda uga talisa laan ka mid ah Ururka Al-itixaad laamihiisa Soomaaliya iyo dibedahaba ka jira. Markii ugu horreysey ee ay gacantooda gashay waxay ahayd bishii Mey sannadkii 1992kii, kolkii ciidanka SNFta1 iyo kooxo iyaga ka tirsani, ay si aan kutalaggal ahayn, isaga kaashadeen sidii ciidankii USCda2 ee Gedo qabsaday magaaladaas looga saari lahaa. Muddadaas ku dhow saddexda sano ee ay Al-itixaad ku hoos-noolayd, Luuq waxay ka go’nayd gobolka, ay maamul ahaan ka tirsan tahay, intiisa kale. Waxay ka ’madaxbannaanayd’ faroggelinta shisheeyaha, faroggelinta dadweynaha dhexdeeda ku dhaqan qudhiisa iyo faroggelinta madaxda SNFta ee iyaga keliya ay soomaalida iyo dunida kaleba u aqoonsan tahay inay gobolka iyo lixdiisa degmoba ka taliyaan! Marka aad inta tagto u fiirsato sida loogu nool yahay, markaad u dhabbeggasho xiriirka maamuleyaasha iyo dadweynaha u dhexeeya iyo markaad toyato midka u dhexeeya maamuleyaasha iyo dadyowga dibedda magaalada deggan ayaa waxaa kugu soo dhacaya magaalooyinkii mid waliba keligeed dawladda isu ahaan jirtey ‘city-states’ ee dunidii hore laga yiqiin; kuwaas oo kolkuu aasku dumo albaabbada loo xiri jirey ee wixii aan gudahooda ku jirin col u arki jirey, shiishkana ku hayn jirey! Ruuxii milicsada goobta ay ku taallo ee ay dadkii hore ka askumesn, sida uu webigu ugu hareeraysan yahay, sida ay u leedahay surin, sooggelid iyo kabbixidba, keligiis loogu adeegsan karo iyo sida ay maamuleyaashii Talyaanigu, bilawgii qarniga, dusmada derbiyada xoogga badan leh ugu sameeyeen; intaasba ruuxii dhab ugu fiirsadaa wuxuu gar u leeyahay inta uu yaabo inuu isweydiiyo, ‘… tolow, muuqaalka iyo maamulka iswaafaqay, ma kutaloggal Eebbaa?’

Inta aanan u daaddegin qorshaha siyaasadeed ee muddada fog ah, ururka Al-itixaadna uu ka damacsan yahay Soomaaliya iyo guud ahaan bulshooyinka muslinka ah ee Geeska Afrika, waxaa ilaa habboon inaan, si koban, wax uga iftiimiyo, caqiido ahaan, halka uu ururkaasi ku arooro, nooca fikriga islaamiga ah ee uu fidinaayo iyo culimmada waaweyn ee soomaalidu sababaha ay ku diiddan yihiin. In kastoo, sidaan meel hore ku soo iri, dhallinyarada ururka taabacsan ee aan Gedo kula kulmay intooda badani aanay war u haynin waddada la qaadsiinayo, haddana taariikhda fikriga islaamka qofkii wax uga bilaaban yihiini wuu garan karaa, weliba si fudud, waxa la fidinayaa waxa ay yihiin. Luuq iyo Beledxaawo markaad dhex-qaaddo ee aad milicsato kutubta yaryar ee ay dhallinyaradaasi sidato ayaad durbadiiba ogaaneysaa sida degdegga ah waxa dadka loo barayaa inuu yahay fikriga Wahaabiga ah ee diinta Islaamka xilliyadii dambe ku soo kordhay. Waxaa fikrigaas magaciisa lagu laray ninkii soo ifbixiyey oo la oran jirey Sheekh Maxamed Cabdulwahaab oo 300 oo sano ka hor ku dhashay Gobolka Najd oo ka tirsan dalka haatan loo yaqaan Boqortooyada Sacuudiga. Markuu soo baxayba, wuxuu ninkaasi ku dooday dhammaan muslimiintii uu isagu xilligaas soo gaarey inay baadinnimo ku jireen, isaguna uu u guntaday sidii uu ugu yeeri lahaa tawxiidka dhabta ah, ugana samatabixin lahaa ‘shirkiga’ oo ah awoodda Eebbe oo cid kale wax laga siiyo.

Waxaa ka dhaadhacday waxyaabihii uu, diin ahaan, rumaysnaa inay sax ahaayeen meel walba oo jasiiradda carbeed ah inuu si degdeg ah ku gaarsiiyo. Wuxuu goostay haddii uu tashigaasi si nabadeed ku meelmari waayo inuu xoog adeegsado. Magaalada Ad—dirciya oo uu masaajidkeeda waayeel ka ahaa ayuu ka bilaabay inuu ka faafiyo wixii uu aamminsanaa, ciddii aan ku raacinna wuxuu, si fudud, ugu sheegay gaalnimo! Sida laga garan karo taariikh-nololeedkiisa, ruux keliya oo caqiidadadiisa taageera ayuu ka waayey qoyskooda oo ahaa barashada diinta qoys caan ku ahaa, gaar ahaan aabbihiis iyo walaalkiis Suleymaan Ibn Cabdulwahaab. Haddiise aan iska deyno erayada kulkulul ee ay weriyeyaashu sheegeen ‘aabbe Cabdulwahaab’ inuu inankiisa Maxamad ah ku tilmaamay, kuna cambaareeyey, waxay nala tahay inaan wax ba ku jabnayn erayo kuwa duqa ka fudud iyo sheeko dhex-martay labada walaalaha ah: waa Suleymaan iyo Maxamade.

Sheekh Suleymaan oo ka welwelsan sida uu walaalkiis ugu dheggan yahay caqiidadiisa cusub ee uu diyaarka ugu yahay inuu, daraaddeed, dad u laayo ayaa maalin maalmaha ka mid ah weydiiyey oo ku yiri: Maxamedow, tiirarka (arkaanta) Islaamku waa immisa? Wuxuu ku jawaabey waa shan. Kolkaas buu Suleymaan yiri: Waa runtaa, adigaase lix ka dhigay, tiirka lixaad ee aad ku dartayna wuxuu yahay; qofkii aan adiga ku raacini inuusan muslin ahayn!

Toddoba sano kolkuu aragtidiisa faafinaayey ayaa waxaa la soo gaarey sannadkii Hijriga ee ahaa 1150, sannadkaas oo ahaa kii uu M. Cabdulwahaab aad uga soo shaac-baxay Gobolka Najd iyo miyigiisa. Waxaa raacay Amiirkii magaalada Ad-dirciya Maxamed Ibn Sacuud inuu dacwadaas cusub ugu adeegto ballaarinta Boqortooyadiisii markaas ka hor sida weyn u koobnayd. Duullaammo aan kalaggo’ lahayn ayuu ku qaaday qabaa’ilkii carbeed ee ka baxsanaa taliskii Ad-dirciya, waxaana raacay dad aan yarayn oo ka baqay ciidammadiisa amaba bedow ahaa oo u xishay xoolihii ay dagaallada ka helayeen ee uu Sheekh Maxamed ugu sheegay inay la xeer yihiin kuwa jahaadka gaalada lagu taabo ee ay muslimiintu qaybsadaan! Dhul aad u ballaaran ayay muddo gaaban ku qabsadeen, waxaase ku daatay dhiig badan oo, malaha, inuu daataa aanay diinta Islaamka wax ugu fillayn. Sannadkii Hijriga ee 1217kii markii ay magaalada Daa’if qabsadeen ninkii ka taariikheeyey wuxuu yiri, “Waxay laayeen saqiir iyo kabiir, madax iyo manjo… Carruurta dhabta hooyadood ayay ku gawracayeen, xoolaha way dhacayeen, dumarkana way qafaalanayeen, waxayna ku kacayeen waxyaabo aan la soo koobi karin..” Duullaammadaas kolkii uu ka sheekeeyey ayuu ku soo gebaggabeeyey, nWaxay ahaayeen belaayo uu Eebbe ku jirrabay addoommadiisa iyo fitnooyinka Islaamka dhexdiisa ka soo daahiray kuwa ugu waaweyn middood!5

Maxay, haddaba, ahayd caqiidadii uu faafinayey ee ay muslimiinta aan yarayni daraaddeed u lumeeni? Aqoonyahannada Islaamka intooda badani arrimaha ay isku raacsan yihiin, asii uu M. Cabdulwahaab diiday waxaa ka mid ah: Tawasulka oo ah marka la ducaysanayo in Rabbi lagu baryo magacyada iyo fadliga addoomaha wanwanaagsan ee la rumaysan yahay inay agtiisa maamuuska ku leeyihiin. Sidoo kale, wuxuu diiday booqashada qabriga Rasuulka Islaamka (NNK), wuxuuna mashiiqsaday qoyskiisu (Ahl Al-beyt) inay wax dheer yihiin, kana mudan yihiin muslimiinta intooda kale. Culimada Islaamka intooda badani arrimihii ay qarniyada rumaysnaayeen, welina ay rumaysan yihiin, isaguse uu sheegay inaysan bannaanayn waxaa ka mid ah In Nebiga la weydiisto qiyaamaha inuu Eebbe jeerdhaaf iyo naxariis uunka uga durraanto, taasoo ah arrinta ’Shafaacada’ loo yaqaan. Wuxuu, haddana, is-hortaagey oo meelihii uu qabsaday oo idil ka joojiyey dhaqammo-diineed muddo dheer soo taxnaa, sida Rasuulka (NNK) oo aadaanka ka dib lagu salliyo iyo ducaysiga salaadaha dabadooda; qofqof ha ahaato amaba kooxda wada tukatay ha ahaatee. Wuxuu kaluu ku baaqay inaysan bannaanayn 12ka bisha Mawliid6 muslimiintu intay kulmaan inay Rasuulka weyneeyaan, dhalashadiisiina ku farxaan, isna faraan raacista sunnihii uu aadanaha uga tegey. Waa arrinta ay soomaalidu Xuska Nebiga u taqaan ee dunida Islaamka oo idil dhaqanka u ah, marka laga reebo meelaha yar ee ay Wahaabiyadu ka taliso. Guud ahaan,isagoo ku doodaaya inuu la dagaallamayo ‘shirkiga qarsoon’ oo laga yaabo inay muslimiintu ku dhacaan ayuu ku gacan-sayray wax alla wixii dheeraad ah (fadli), maamuus ah amaba weyneyn ah oo uu Rasuulku (NNK) dadka intiisa kale kaga soocnaan karo! Sida ay Wahaabiyadu qabto, ammaanta Nebigu waa xaaraan, waxayna diidaan maansada arrintaas ku saabsan amase siiradiisa lagu soo qaado, sida labada qasiido ee caalamka muslinka ah caanka ka ah ee la kala yiraahdo: Al-burdah iyo Al-hamziyah ee uu tiriyey Al-buusiiri oo Basri ahaa. Waxay ku sheegaan fhees’ heesaha kale aan ka duwanayn!

Dhinaca laqbaha Qur’aanka kariimka ah (Tafsiirka), Wahaabiyadu waxa ay ku dhiirratay soohdimo ay culimmadii hore ka maagi jireen. Waxay ka tallawday, jebisayna xeer awel hore la degsaday; dulucdiisuna ahayd in laga gaabsado arrimaha sifooyinka Eebbe ku saabsan ee muranka geli kara. Iyadoo ay dunida Islaamku wada qabto Rabbi inuu goob kasta ku sugan yahay, cirka, dhulka iyo inta u dhexaysana uu ‘ogaal’ ku koobay ayuu Sheekh M. Cabdulwahaab kor ugu dheeraystay ‘daato ahaan’ inuu Eebbe ku sugan yahay toddobada cir iyo carshiga meel ka sarraysa. Waxa uu arrintaas u cuskaday dhawr aayadood oo ay ka mid tahay aayadda 5d ee ka tirsan suuradda 20d ee Qur’aanka kariimka ah, taasoo oranaysa; “Eebbe carshiga dushiisa ayuu ku ekaaday” Culimmadii isaga ka horreysey ee waaweynaa, iyagoo ka baqaya Rabbi iyo waxyaabaha uu abuuray in siiyaan tilmaamo isu eg, maankana ku haya aayadaha sida caddaanka ah u sheegaaya wax la mid ahi inaanay jirin7, waxay ekaanshaha kaga gaabsadeen inuu yahay ‘ekaansho isaga u cuntama’. Waxyaqaanka diintu waxay Wahaabiyada iyo kuwa raacsan ku inay daatada Ilaahiga ah ka yeeleen ‘oogo u baahan meel go’an oo ay ku sugnaato, meelaha kalena uga duwan’, taasoo – kor ahaa amarkiisuye – uu si walba u mudan yahay in laga hufo.

Waxyaqaankii hore ee Islaamku waxay kaloo ka hakadeen inay Eebbe u sugaan xubno ay ka mid yihiin weji iyo gacmo oo uu Qur’aanku meelo dhawr ah magaciisa weyn ku laray; wejiga Eebbe iyo gacanta Eebbe8. Halka ay badi aqoonyahannadu wejiga ‘daatadiisa’ ugu laqbeeyaan, gacmahana, iyaga oo aftahammada carbeed isha ku haya, ugu fasiraan awooddiisa, Wahaabiyadu sidaas ma yeesho, waxayna Eebbe u sugaan ‘weji’ iyo ‘gacmo’, sidii ay awel horeba ugu sugeen oogo meel go’an ku xasilloon!

Dhinaca Fiqhiga, Wahaabiyadu waxay u janjeertaa Imaam Axmed (dhintay AD855) oo ka mid ahaa raggii dejiyey mad-habaha afarta ah ee ay muslimiintu ku kala dhaqmaan midda uu ku magacaaban yahay ee Xanbaliyada loo yaqaan. ‘waxay u janjeertaa’ markaannu leennahay waxaannu u jeednaa akhristaha inaan dareensiinno inuu jirey xilli uu M. Cabdulwahaab ku baaqay in afarta Imaam iyo mad-habahoodaba laga boodo, ruux walibana inta ka maarmo uu kitaabka Qur’aanka ah iyo Sunnada si toos ah u abbaaro, masaladii uu doonana sidaas ugala soo baxo. Qoreyaashii xilligaas noolaa siday weriyeen, arrintaas kolkii lagu qoonsaday ee ay u neelmari weydey ayuu ka noqday, wuxuuse u bayray inuu ceebeeyo culimada kale ee afarta dugsiyadooda ka kala tirsanayd, mad—habahoodana kutubta dheeraadka ah ka dejin jirtey. Si gaar ah wuxuu u weerari jirey culimmadii mad-habta Xanbaliyada oo qaarkood ay faafiyeen qoraallo ay isaga kaga soo horjeedeen, ayna ku qeexeen isaga iyo kuwa raacsani in aanay Imaam Axmed Ibn Xanbal ku abtirsan karin.9

Soomaalidu, sidii ay boqollaal sano soo ahayd, welina ay tahay waa ummad wada muslin ah oo caqiido ahaan Ashcariya ah10, mad-hab ahaanna ku dhaqata mad-habta Al-Imaam Ash-shaafici (dhintay AD 820) oo sida Imaam Axmed ka mid ahaa afartii aqoonyahan ee ilaa maanta muslimiinta oo idili, meel ay joogaanba, ay mid ahaan taabacaan, kolka ay joogto arrimaha ku saabsan shareecada Islaamka ee sida fudud looga baran karo dhaqan-diineedka ku aaddan xiriirka aadanaha dhexdiisa ah iyo midka la rabo inuu qofka iyo Eebbe u dhexeeyo (Al-mucaamalaat wal-cibaadaat). Raggaas oo isku darsaday aqoon ballaaran iyo alle-ka-cabsi xilligoodii markhaati looga wada ahaa waxay dusha u riteen xilka ah dadweynaha muslinka ah inay si fudud u soo hordhigaan qoraallo iyo fikrado tusinaya habdhaqan diintooda waafaqsan, mar haddii aanay suuraggal ahayn qof waliba Qur’aanka iyo Sunnaha Nebiga (NNK) inuu iskiis ugala soo dhex-baxo xalka kolba arrintii soo foodsaarta ee uu, diin ahaan, ugu baahdo hab sugan oo uu ku furdaamiyo.

Dhaqan-islaameedka ilaa haatan soo taxnaa wuxuu ahaa in afartoodaba, si siman, loo qaddariyo oo qofkii muslin ah oo midkood raacsani uu aragtida saddexda kalena maamuuso. Waxa kale oo dhaqan-diineed wanaagsan ay culimmadu ku sheegtaa ruuxii mad-habahaas afarta ah middood bartaa inuu iyada ku ekaado xagga ku-dhaqanka ee aanu kolba tu kale u boodin ama aanay, sida dadweynaha caadiga ah u sinnaan.11 Sidaas oo ay tahay, haddana ruuxa muslinka ah waxaa loo oggol yahay mad-hab uu muddo taabacsanaa oo afarta ka mid ah inta uu ka xiriir-furto inuu xerta tu kale ku biiro, isagoo -malaha- si uun ugu qancay aragtida Sheekh-hebel inay tubta xaqa uga dhowdahay aragtida saddexda kale. Ha yeeshee, qof, koox iyo dawlad muslin ah toonihi xaq uma laha qof amase koox kale oo muslin ah inay mad-hab gaar ah, si kutaloggal ah, oo aan xeeli ka marnayn ugu hagto, iyada oo la muujinaayo mad-habtaas oo keliyihi inay tahay midda diinta Islaamka waafaqsan.

Culimmo aan yarayn oo aan Gobolka Gedo kula kulmay siday dareensan yihiin, Luuq iyo Beledxaawo eo uu Itixaadku joogo waxaa labadii sano ee ugu dambaysey ka socdey ol’ole aan kalaggo’ lahayn oo soomaalida halkaas ku dhaqan looga tirtiraayo Fiq-higa Shaaficiyada iyo Caqiidada Ashcariyada, halkoodiina loogu beddalaayo Fiq-higa Xanbaliyada iyo caqiidada Wahaabiyada. Waxaa kolba goobtii la isugu yimaado la isku weydiiyaa ol’olaha xaddigaas leh baahida keentay maxay tahay? Maxaase sabab u noqon kara dedaalka shakigu ku saynsaaban yahay ee dulucdiisu tahay in dalka Soomaalida lagala diriro Caqiidada Ashcariyada oo in ku dhow 100% muslimiinta sunniga ah ay taabacsan yihiin? Maxay tahay danta dar-allada ah oo ku jiri kartaa faafinta caqiidada Wahaabiyada oo, in kastoo muddo laba qarni iyo bar ka badan fidinteeda lagu hawllanaa, haddana jasiiradda carbeed dhinacna u dhaafi weydey, isla markaasna aan dalkeenna sumcad fiican ku lahayn?12 Su’aalahaas ayay isweydiiyaan culimmada gobolka qaarkooda aan Itixaadka ka tirsanayn, inta badanna jawaabaha laga bixiyaa ma noqdaan kuwo sabab diineed la cuskiyo. Inta laga warhayo, ilaha dhaqaale ee uu ururku wax ka helo waxaa ugu muuqaal dheer dad ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga oo kolkii muddo la joogaba lagu dhex-arko Luuq iyo Beledxaawo. Dadkaas oo la rumaysan yahay inay yihiin ganacsato iskeed u shaqaysata amaba ururro caalami ah ku jiraa waxay bixiyaan qayb ka mid ah sakada xoolahooda oo caddaan amaba cunto ah. Sidoo kale, waxaa bil walba isla dadkaas laga sugaa mushaarka macallimiinta wax ka dhigta dhawrka dugsi ee ururku maamulo, labadaas magaalana ku kala yaal. Deeqdaas cuntada, caddaanka iyo dharkaba isugu jirta, in kasta oo sida la ii sheegay, aanay joogto ahayn, haddana waa waxa ugu weyn ee ururka jiritaankiisaba lagu macnayn karo. Isla deeqdaas waxaa lagu daboolaa kharashka dhaqdhaqaaqa madaxda sare iyo midka ciidanka joogtada ah ee xeryaha ururka ku sugan amaba ilaalo ahaanta loo dhigo waddooyinka labada magaalo soo gala.13

Sababahaas dhaqaale oo aan la tarrixin ayaa la isku raacsan yahay inay ugu wacan yihiin caqiido—rogga iyo mad-hab-beddalka qorshaysan ee Gedo iyo Soomaaliyada kaleba ka socda. Haddii si kale loo dhigo, si ay urur ahaan u sii jiraan, qorshahooda muddada fog ahna ku gaaraan, waxay madaxda ururku ku qasban yihiin ilo dhaqaale inay yeeshaan, taasoo markii loo eego habdhaqanka dunida maanta ka jira aan si sahlan iyo cashuur la’aan lagu xaqiijin karin! Markan oo kale, cashuurta ugu dhibta badan ee uu qofku bixin karaa waxay tahay, isagoo aan, diin ahaan, naftiisa ugu qancin, inuu beddalo caqiidadii uu afartanka sano iyo dheeraadka uu kusoo ahaa Sheekh-hebel!

Iyadoo qayb ka ah cashuurtaas bixinteeda aya labadaas magaalo, gaar ahaan Luuq, waxaa maanta lagaga diimaa kutubtii dalka Soomaalida qarniyaasha caanka ka ahayd ee Fiq-higa Shaaficiyada laga baran jirey, sida Safiinat As-salaah, Al-minhaaj, Al-muqni Al-muxtaaj iyo dhammaan kuwii Caqiidada Ashcariyada ee sifooyinka Eebbe laga raacan jirey sida kii la oran jirey Caqiidat Al-cawaam. Dhallinyarada la doonayo in fikriga Wahaabiga ah lagu duro, waxaa halkii kutubta Shaaficiyada laga bari lahaa laga baraa kuwo yaryar oo ay qoreen qaar ka mid ah culimmada Wahaabiyada, weliba kuwooda ay Boqortooyada Sacuudigu rasmi ahaanta u aqoonsan tahay, sida Bin Baaz. Waxaad kale oo ka yaabaysaa sida dadka looga simaayo amaba looga haqabtiraayo kutub laba ama saddex ah oo uu qoray M. Cabdulwahaab, kuna saabsan caqiidada saxda ah, sidii ay isaga la ahayd! Waxaa iyaguna gacmaha dadka aad ugu jira kutub lagu soo ururiyey xadiiska Nebiga (NNK) qaarkood oo ay isku soo dubbarrideen qaar ka mid ah warasadii M. Cabdulwahaab; qoyska ilaa maanta lagu magacaabo ‘Reer-Sheekh’ ama ’Aal Ash-Shaykh’. Culuunta xadiiska iyo guud ahaan diinta islaamka rag ku xeeldheer oo aan Luuq iyo Beledxaawo kula kulmay waxa ay ii sheegeen xadiiska kutubtaas ku faafsani inuu yahay oo keliya intaan caqiidada Wahaabiyada ka hor-imaanayn!

Kutubtaas cusub iyo ragga qaybinayaa waxay bulshada dhexdeeda iyo goobaha cibaadada ku soo kordhiyeen dhaqanno-diineed hor leh oo ay dad badani ka wareereen, gaar ahaan dadweynaha muddada dheer intii u soo ahayd culimmada iyo weliba caamadii ay iyagu indhaha u ahaayeen! Mad-habta Xanbaliyada oo aan soomaalidu aqoon jirin ha laga soo guuriyo amaba fikriga Wahaabiyada si toos ah ha ugu abtirsadeene, waxaa mar qura soo shaacbaxay masalooyin dhawr ah oo dadweynihii kala geliyey khilaaf-diineed oo aan awel ka dhex-jirin. Masalooyinkaas oo u badan hannaanka tukashada iyo arrimo la xiriira waxaa ka mid ah:

1)        weysada in la cusboonaysiiyo haddii uu qofku hilib geel cuno

2)        in kabaha lagu tukan karo, haddii la doono;

3)        inaan bisinka kor loogu dhawaaqin kolka suuradda Faatatixada la bilaabayo ee lagu jiro salaadaha akhriskooda lagu dheeraysto ee saddexda ah (Maqribka, cishaha iyo subaxa);

4)        In aan lagu dhawaaqin niyaysiga gudashada salaadda, lana xusin salaaddu midda ay tahay, nooca ay tahay iyo inta ragcadood oo ay tahay.16

5)        in lala diriro, lana ceebeeyo qaadashada tusbaxa iyo werdiga tirsiga go’an leh ee salaadaha ka dib la caadaysto;

6)        inaysan diinta raad ku lahayn ducada wadajirka ah ee salaadaha ka dib uu imaamku hoggaamiyo.

Intaas ka sokow, hawlgalka maalin walba ah ee Al-itixaadka Gedo ruuxii u fiirsadaa wuxuu si caddaan ah u arki karaa dagaalka aan waanwaanta lahayn ee ay ku hayaan ‘TASAWUFKA’ islaamiga ah, iyada oo ay danta weyni tahay dadweynaha iyo culimmadoodii hore in shaki la kala geliyo! Gudaha Beledxaawo iyo Luuq markaad joogto waxaa dhegahaaga ku soo dhacaaya erayo lagu durayo ‘tasawufka’ oo aad badanaa ka maqlayso dad aan macnaha eraygaba wax qumman ka aqoon oo leh, ‘Sheekh—hebel waa iska suufi’; taasoo loola jeedo in lagu sharafjebiyo Sheekh laga yaabo inay bulshadu diinta Islaamka uga dambayso, asii ka warwareegay amaba toos u diiday inuu ururka Al-itixaad ku biiro. Wadaad ay arrintaasi la soo gudboonaatay oo Nayroobi iigu sheekeeyey ayaa yiri, “Dawladdii Maxamed Siyaad qofkii wax ku diida, si ay waxyeelladiisa marmarsiinyo ugu hesho, waxay ka faafin jirtey, ‘waa kacaandiid’, Al-itixaad qofkii ka leexdana waxaa loo helay, ’waa suufi!’” Sheekh kale oo aan isna Beladxaawo ku arkay, kana mid ah culimmada halkaas maamuuska ku lihi wuxuu igu yiri, “Madaxda Al-itixaadku waxay kuwa taabacsan afka ugu tiraan inaan ’suufi’ ahay, anigoo aan weligay raacin Dariiqooyinka ’Tasawufka’ middoodna, in kasta oo aan dhab u qaddariyo iyaga iyo culimmadii dhidibbada u aasay ee u googgo’ay baafinta JACAYLKA EEBBE ee baraxa la’.”

Wuxuu Sheekhaasi17, isagoo aad ugu mahadsan, meel ’buush’ ah hortiis,

muxaadaro laba saacadood socotey iga siiyey farqiga u dhexeeya tasawufka tawxiidka qofka muslinka ah kaabi kara amaba adkayn kara iyo midka waxyeellayn kara ee, gaar ahaan, dadka caamada ah marin—habaabin kara. Wuxuu, si aanan filayn oo aqooni ku dheehan tahay, iigaga sheekeeyey culimmadii ’tasawufku’ waxtarkii ay waqtigoodii Islaamka u lahaayeen, sidii ay faafinta diinta uga qaybqaateen iyo sidii ay guud ahaanba ummadda Islaamka rumaysan magaca dheer ugu soo jiideen. Wuxuu si wacan iigaga taariikheeyey tiirarkii ’tasawufka islaamka’ ee ay ka midka ahaayeen: Raabica Al-Cadawiya (dhimatay AD 801) oo ahayd haweeney Reer-Basra ah, markii ugu horreyseyna soo ifbixisay fikradda ah Jacaylka Eebbe ee dan la’aaneed, Al-Junayd oo Reer-Baqdaad ahaa (dhintay AD 910), Dun-Nuun (dhintay AD 859), Abuu-Xaamid Al-Qazaali (dhintay AD 1111), Cabdulqaadir Al-Jiilaani (dhintay 1166) iyo weliba kuwii soomaalida ahaa, Sheekh Cabdurraxmaan Az—zeylici, Sheekh Uweys Bin Axmed (dhintay 1909) iyo Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo, halgankiisii waddaniga ahaa ka sokow, madax ka ahaa Dariiqada Saalixiya ee ku magacaaban Sheekh Maxamed Saalax oo Reer-Maka ahaa.

Wuxuu Sheekhaasi muxaadaradiisii iigu soo gebaggabeeyey, “Waxaa la iga doonayaa inta aan ‘wahaabi1 noqdo oo Al—itixaad ku biiro in aan culimmada heerkaas ah iyo kuwa la midka ah ee muslimiinta ah ku sheego kuwo iimaankoodu dhaawacan yahay oo aan gaalada ka agab-sokayn!” Waxa uu raaciyey, “Qof ashahaadanaya, haddii aan gaal ku sheego, aakhiro Eebbe hortii, maxaan ku hadli?” Hadalkaas dambe ee Sheekhu wuxuu ka tarjumayaa dhaqan soo taxnaa oo ilaa maalintii ay soo ifbaxday ay Wahaabiyadu ka dhigatay caado, maantana si xoog leh, Luuq iyo Beledxaawo looga dareemi karo; dhaqankaas oo ah in, si fudud, qof muslin ah gaalnimo loogu xukumo! Taasi waxay badanaa dhacdaa kolka ay arkaan ruux si uun Rasuulka (NNK) u weyneynaya, maamuuska awliyadii dhimatay ku hadaaqaya, waalidkii dhalay xusaya oo inta masaakiinta u looga ka codsanaya inay aabbihi amaba hooyadii Rabbi jeerdhaaf uga baryaan.

Bishii Agoosto ee sannadkan intii aan Beledxaawo joogey ayay soo gashay maalintii Xuska Nebiga ee 12kii bisha Mawliid, maalintaas iyo habeenkeeda oo ay dunida muslinka ahi maamuusto, soomaaliduna, miyi iyo magaalaba, ay caado soo-jireen ah u leedahay inay aad u weyneyso. Waxa ay culimmadu maxfallada la isugu yimaado maalintaas ka jeediyaan khudbado ku saabsan taariikhda iyo tilmaanta Shakhsiga Rasuulka iyo dhibaatooyinkii isaga iyo asxaabtiisii ay fidinta Islaamka ka soo mareen. Laba maalmood ka hor intii aan maalintaas la gaarin ayaa waxaa si kafool kafool ah isaga horyimid culimmo ka tirsan Ahl As-Sunnah wal-Jamaaca iyo qaar Wahaabiyada ah oo Al-itixaadka taabacsan. Dulucda dooddu waxay ku soo urursanayd: Nebiga (NNK) dhalashadiisa ma la xusi karaa oo waa wax bannaan, mise ma bannaana oo waa xaaraan? In kastoo markii ay dooddaasi dhammaatay aanay labadii qolo midna tii kale qancin, haddana raggii soo dhegeystey qaar ka mid ahi sidsy ii soo tebiyeen waxaa cadcaddaa oo ay goobtii guuli ka raacday culimmadii Ahl As-Sunnah wal-Jamaaca ee ay la ahayd Xuska Nebigu inuu yahay wax, caqiido ahaa, bannasn, in la isfaro oo weliba la isku guubaabiyana mudan. Dhacdadaas kolkii ay bil qurihi ka soo wareegtay, anigoo Nayroobi jooga, ayaa waxaa gacantayda ku soo dhacay wargeys magaciisu afcarbeed yahay oo la yiraahdo ‘Al-Mustaqbal’, ha yeeshee afsoomaali kaga soo baxa magaalada Toronto ee dalxa Kanada.

Wargeyskaas oo ama uu Al-itixaad leeyahay amaba taageera waxaa dushiisa lagu daabacay su’aal far waaweyn ku qoran oo oranaysa: Ma la xusi karaa Nebigeenna? Jawaabta aan meelna laga soo xigan ee uu qoruhu sida dhiirran ee degdegga ah noogu soo gudbiyey waa ’maya’, maqaalka meelihiisa dhexda ah ama ugu dambeeyana kuma qornee, waxaannu ku arki karnaa sadarrada 2d iyo 3d! Wuxuu yiri, “…xuska mawliidka Nebigeennu waa bidco aan diinta raad ku lahayn oo ku tusinaysa in la hayo jidka nasaarada iyo Yahuudda.”18

Wahaabiyada iyo inta raacsani kolka ay xuska Nebiga diidayaan waxa ay ku doodaan muslimiinta inay ka ilaalinayaan ’shirkiga’, diiddan yihiinna in loo barto in si joogto ah, Rasuulkaba ha ahaatee, loo weyneeyo cid aan Ilaah ahayn. Waxaa u fudud, laguna eedeeyaa inay wax walba ‘shirki’ ka dhex-arkaan, dabadeedna muslimiinta wixii aan iyaga ahayn, ay gaalo ku sheegaan, iyaga oo u daliishanaya aayadaha kufaartii Maka iyo kuwii la midka ahaa ku soo degey.19 Dan kama yeeshaan aakhiro-seegga ku sugan qof muslin ah oo gaal lagu sheego iyo weliba sida uu tuhunkaas oo kale uu cududda ummadda u kala dhantaali karo. Culimmada Ahl As-Sunnah wal-Jamaaca siday qabaan, ummadda muslinka ah ineeda badanina ku raacsan tahay waxaa lamahuraan ah in la kala sooco laba arrimood: Midda hore waxay tahay sida ay waajib u tahay in Nebi Maxamed (NNK) la weyneeyo oo dhammaan abuurta kale oo Eebbe laga sarraysiiyo. Tan labaadna waxay tahay in Rabbi kelinnimo loo qiro, lana rumeeyo – amarkiisu kor ahaaye – abuurtiisa oo idil inuu keli kaga yahay daatadiisa, sifooyinkiisa iyo falalkiisa. Qof alla qofkii aammina wax uu Eebbe abuuray inay wax la wadaagaani waa gaaloobey, wuxuuna la mid noqonayaa gaaladii ‘sanamyada’ ilaahnimada u rumaysnayd ee caabudi jirtey. Dhinaca kale, qofkii Rasuulka (NNK) meekhaanka iyo derejada uu leeyahay hoos uga dhiga isna caasi buu ahaanayaa ama wuuba gaaloobayaa. Qofkiise Rasuulka weyneyntiisa ku dheeraada oo, isagoo aan sifooyinka Rabbi ku tilmaamin, si walba oo kale u maamuusaa xaqa ayuu ku taagan yahay, wuxuuna iskummar ilaaliyey Rabbinnimadii iyo risaaladii labadaba.20

Waxaa daliil cad loo hayaa oo sunnaha ku xusan, asxaabtii sii horreyey ee Nebigana laga ogaadey inay bannaan tahay, welibana habboon tahay in la weyneeyo anbiyada, awliyada iyo dhammaan addoomaha wanwanaagsan, isla markaasna magacyadooda baryada Eebbe loo kaashan karo; iyadoo la iska ilaalinayo in loo nisbeeyo awood iyaga ku abuuran oo ay naftooda ama tu kale waxna ugu tari karaan, waxna ugu dhibi karaan. Culimmada Islaamka intooda badani (Jumhuur Al-Culamaa) waxay u kala bayri waayeen qofka muslinka ahi inuu baadinnimo ka fog yahay haddii aanu cid kale u sugin awoodaha Eebbe uu keligiis isa siiyey ee ay ka midka yihiin: Saamaynta, abuurista, jirsiinta, ciribtiridda, waxtaridda iyo waxdhibidda.

Waxaad mooddaa qaybtan ku saabsanayd caqiidada Wahaabiyada ee uu Al-itixaadku dalka soomaalida ku faafinayaa inay ka dheeraatay intii uu kutalaggalku ahaa, sidaas daraaddeed bay nala noqotay inaan ku soo ebinno xaqiiqooyin dhawr ah oo gunaanad ku habboon:

1) Xaqiiqada koowaadi waxay tahay: Wahaabiyadu, in kastoo muddo saddex qarni ku dhow la isku deyaayey in la fidiyo, inay gaari waydey dhulkii ay ku dhalatay meel wax badan ka durugsan. Waxaa la sheegay degmooyin ka mid ah Boqortooyada Sacuudiga inaanay weli gaarin, iyadoo weliba ah caqiidada Reer-Boqor ee sida rasmiga ah loo dhiirri-geliyo. Waxaad taas barbar-dhigtaa sidii uu muddada gaaban ugu faafay fikriga Walaalaha Muslinka ah (Al-ikhwaan Al-muslimuun) oo 1928kii haddeer ahaa uu Sheekh Xasan Al-Bannaa dalka Masar ku asaasay, isagoo dar Ilaah isugu xilqaamay dunida islaamka inuu baraarujiyo, awoodda ay leedahay tuso, weerar-maskaxeedka lagu hayana uu uga digo; Muddadii gaabnayd ee uu Sheekhu noolaa (Dhintay 1947) ayay tirada Walaalaha Muslinka ahi malaayiin gaadhay, maanta oo la joogana waxay laamo iyo taageerayaal firfircoon ku leeyihiin shanta qaaradood ee dunida iyo meel walba oo dad muslin ahi ku dhaqan yahay;

2) Xaqiiqda labaadi waxay tahay, meelaha kooban ee ay Wahaabiyadu ilaa hadda gaadhay inay ku gaadhay oo keliya dagaal dhiig badani ku daatay iyo cabsiggelin;

3) Tan saddexaadi waxay tahay: Wahaabiyadu waa dhaqdhaqaaqa qura ee Islaamka ku abtirsada, asii sida ururrada Masiixiyiinta ah adeegsada dhaqaale iyo hunguriggelin,21 si uu ku helo muslimiin caqiidadooda taabacda iyo taageerayaal cusub;

4) Tan afraadi waa Wahaabiyada oo cid alla ciddii fikrigooda ku diidda si fudud ‘gaalnimo’ ugu sheegta; taasoo qayb ka ah dedaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan inay taariikhda Islaamka ka tirtiraan Sheekh hore, mid dambe iyo aqoonyahan kasta oo aan ahayn M. Cabdulwahaab iyo haddiiba ay cid raaciyaan Ibn-Taymiyah (wuxuu noolaa qarnigii 14d);

5) Xaqiiqda shanaadina waxay tahay, ururka Al-itixaad, sababo dhaqaale aawadood, inay si xamaasad leh, ugu yaraan Gobolka Gedo, uga fidinayaan caqiidada Wahaabiyada, ha yeeshee aanay ku dhici karin inay afmuggiis ku qirtaan. Waxay og yihiin sida ay Ashcariyadu dalka ugu dhex-faafsan tahay, Wahaabiyaduna ay ugu sumcad-liidato, taasina waxay sababtay, sida ururrada qarsoodiga ah, iyagoo magacii daboolaya, inay caqiidadii faafiyaan.

Nin Maxamed Cabdulwahaab soo gaarey oo ka yaabay intii yarayd ee isaga raacday mooyaane sida uu muslimiinta kale ‘gaalada’ ugu sheegay ayaa maalin maalmaha ka mid ah inta la kulmay weydiiyey su’aashan: Habeen kasta oo soonqaad ah immisa ayuu Eebbe xoreeyaa? Kolkaas buu ku jawaabay: wuxuu xoreeyaa boqol kun, habeenka bisha ugu dambeeyana wuxuu xoreeyaa bisha oo idil tiradii uu xoreeyey tiro u dhiganta. Markaas buu ninkii yiri: Tirada aad sheegtay haddii toban meelood loo qaybiyo 00 haddana meel ka mid ah toban loo sii qaybiyo, dadka ku raacsani meel ahaan ma gaaraane, waa kuwama muslimiinta uu Eebbe xoraynayaa, haddiiba adiga iyo inta ku raacday keliya aad islaannimadii ku koobtay? Ina Cabdulwahaab hadalkaas jawaab waa u waayey!

 

-V-

Talisyada aan diimoqraadiyada ku dhisnayn ee qoriga aamminsani iyaga ayaa geeridooda soo dedejiya 00 qabrigooda gacmahooda ku qota. Iyaga ayaa kobciya 00 koriya jeermigii, ugu dambaysta, dili lahaa, maalin walbana waxa ay ku duraan dheef uu ku naaxo. Dulmiga iyo cadaadiska talisku kolkii ay kordhaanba, waxaa kordha nacaybka uu dadweynuhu u qabo iyo tirada diyaarka u noqota la dagaallanto 00 jilbaha u dhigto. Ciidan kastaa ha u dhisnaado, xoog iyo hub inay doonaanse ha urursadeene, taariikhdu, tii hore iyo midda dhowiba, waxay ina bartay xorriyadda dadweynaha talisyada cabburiyaa – haba raageene – inay si foolxun ku dhammaadaan. Xorriyaddu, iskeedaba, kuma jirto waxyaabaha qofka ama ummadaha ka maqnaan kara ee ay muddo dheer ka maarmi karaan; haddii ay samaan ku waayaanna, geeso dhiig leh iyo xumaan bay ku doonaan, ugu dambaystana ku soo dhacsadaan!

Taasi inta aanay imaanse, waxaa lamahuraan ah in la helo hoggaan u qalma himilada la higsanaayo; hoggaan geya inuu xorriyadda miciyaha libaaxa ka soo dhirindhiriyo oo, iyadoo aan laba-dhex lagu kufsan, awood u leh inuu guryo-keeno. Nasiibdarrose, hoggaankaas suubban ee aannu soo tilmaannay kama soo fufi karo dhulka qaniinka badan iyo hawada hallaysan ee talisyada dimoqraddi-diidka ahi ay ka abuuraan kolba meeshii ay ka jiraan. Mucaarad la kala doorto oo barnaamij lihi ma dhismo, talisyada noocaas ahina marna ma oggolaadaan. Qof kasta oo haweysta inuu muujiyo inuu mucaarad ku yahay, waxay ku qaadaan ol’ole, markuu ugu roon yahay, ceebayn ah, iyadoo, inta badan, lagu tilmaamo inuu dalka ‘khaa’in’ ku yahay!

Waxaa ummadda u muuqda laaca xorriyadda iyo doogga ay u malaynayso inay ugu tegi doonto, waxayna u dhego-fududdahay sidii ay isaga qaadi lahayd heeryada ‘gumeysiga sokeeye’. Sidoo kale, waxay u heellanaataa cid alla ciddii maqashiisa inay hiilkeeda tahay. Taliska ay iska ridayso ha aragtee, ma aragto, ismana weydiiso duulka u gacan-haadinaya ee sokeeyaha isaga dhigayaa inay danteeda wadaan iyo in kale. Sidaasna waxaa ku abuurma, dadweynaha caraysanna ku kala qaybsada ururro qarsoodi ku dhisma oo, danata madaxdooda iyo ladagaallanka taliska dalkooda ka jira mooyee, aan innaba lahayn qorshe hoggaamineed oo mudan in la soo bandhigo!

In kastoo ummadaha dunida saddexaad ku dhaqan ay badankoodu soo mareen tijaabo taa aan soo tilmaannay la mid ah, haddana waxay ila tahay neesha ay raadka weyn ku reebtay ee ay aad uga muuqataa inay tahay dalka Soomaaliya. Madaxweyne M. S. Barre (dhashay 1919) oo sida talisyada dimoqraaddi-diidka ah aqoonsan waayey waxtarka uu mucaaradka sharciyaysani yeelan karo, wuxuu dhiirriggeliyey soo-bixidda jabhado bilawgii qarsoodi ku samaysmay oo qabiil ku dhisan, taageerayaashi ay lahaayeenna ay ka koobnaayeen oo keliya ninka ama kooxda asaastay tolka ay ka dhasheen jilibbo ka tirsan. Ugu yaraan afar jabhadood oo hubaysan, dantoodii lagu dhawaaqayna ahayd in M. S. Barre kursiga talada laga tuuro ayaa dalka laga asaasay muddadii u dhexaysey 1978kii ilaa 1989kii; sannadkaas horena, sida la xusuusan yahay wuxuu ahaa sannadkii soomaalida lagaga adkaaday dagaalkii gobannimoddoonka ahaa ee lagu xoraynaayey Soomaaliyada-galbeed. Jabhadahaasi, sidii aan kol dhoweyd carrabka ku soo dhuftay, waxay ku dhismeen hab qabyaaladeed, sidaas darteedna ma lahayn qorshe midaysan oo ku saabsan hawlgalkooda ciidan ahaaneed amaba istaraatiijiyad siyaasadeed oo, haddii ay guuleystaan, ay dalka ku maamuli doonaan. Jabhad waliba iskeed ayay u hawlgashay oo ay marna taliska ula dagaallamaysey, marna ‘wadahadallo hab qabiil ah’ ula gelaysey, taasoo sababtay in mid walba si fudud goobo badan loogu daadduumiyo.

Qabaa’il dhawr ahi inta ay midoobaan, isku dan noqdaan, dabadeedna xaqiijinta dantaas ay u wada xusul-duubaani ma aha wax dhaqanka qabyaaladda ku jira, taliskii M. S. Barrena, xaqiiqadaas ayuu si walba uga faa’idaystay. Nabadsugiddiisii awoodda badnayd waxay ku guuleysatay inay jabhadihii dhismay midba midda kale ku dirto oo weliba inay ‘jabhad-hebla’ gudaheeda u dhacdo ay madaxdeeda shaki weyn kala geliso. Sanooyinkii siddeetanaadkii waxaa la soo gaarey waqti la kala saari waayey madaxdii mucaaradka sheeganaysey qaarkii, dhab ahaanta, rididda xukunka u halgamaayey iyo qaarkii nabadsugidda xukuumadda mushaarka ka qaadanaayey ee ururradii ay ka tirsanaayeen ugu jirey inay kala diraan oo keliya! Siduu ii sheegay sarkaal sare oo haatan Yurub ku nool, kana tirsanaa ciidankii nabadsugidda ee uu Midawgii Soofiyeti hagar la’aanta u tababbaray, ’waxyaabihii ay hay’addaasi intii ay jirtey fulisay laba ayaa ugu waaweynaa: waa mide, inay soo ururisay warar wada run noqday oo ku saabsanaa hubka, mooraalka iyo diyaargarawga ciidammadii Itoobiya, ka hor intii aanay soomaalidu qaadin dagaalkii 1977-1978kii ee, faroggelintii shisheeyaha oo keliya lagaga adkaaday. Waa midda labaade, inay baajisay isu-imaad kasta oo sababi karey jabhadihii taliska la colka ahaa inay midoobaan ama, ugu yaraan, ay iskaashi yeeshaan!

Waxaa, kolka, la isweydiin karaa, haddiiba miisaanka awooddu uu sidaas ahaa, waxa sababay jabhadihii qorshe la’aanta iyo taagdarrada ku tilmaannaa inay taliskii Xamar si fudud kaga guuleystaan? Su’aashaas waxaa lagaga jawaabi karaa iyadoo, taariikhda gumeysiga iyo Soomaaliya ka sokow, dib loogu noqdo dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin habdhismeedka bulshada soomaalida iyo, guud ahaan, sidii loo soo hawadiyey siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka soddonkii sano ee u dhexaysey 1960-1990. Sidaas daraaddeed, waxaa la iska garan karaa qoraalkan koobani inaanu dusha u ridan karin xilka ka-jawaabidda su’aashaas iyada ah. Saas oo ay tahayna waxa aannu, annaga oo hubna, oran karnaa: Taliskii M. S. Barre ee rasmi ahaanta 21ka sano Soomaaliya uga jirey wuxuu mootanaa muddo in doo ah ka horreysey goorta ay dad aan tiro yarayn la tahay inuu geeriyoodey! Dabayaaqadii 1969kii oo ahayd markii uu talada dalka la wareegay haddii laga soo bilaabo, mar walba wuxuu taliskaasi ku tiirsanaa ‘sharciyadda muruqa’ amaba awoodda ciidankii loo yiqiin Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee, dhinacyada tababbarka iyo qalabkaba, kol loo aqoonsaday inuu ahaa ciidanka labaad ee Afrikada madow markii dhammaan la isku soo kiciyo!

Ciidankaasi ma soo dhaafin dabayaaqadii 1978kii iyo jabkii dagaalkii Soomaali-galbeed, halkaasoo dhaawac aan kakicid lahayni uu taliskii ka soo gaarey, halbawlana uu ku go’ay. Bilo ka dibna, xubno badan 00 xooggaas ka tirsan 00 saraakiil iyo askarba lahaa ayaa ku kala biiray jabhadihii ay qabaa’ilkoodu kala samaysteen. Waxaa, dabadeed, ban fagaare ah isugu soo haray taliskii 00 ilko-beelay iyo kooxihii ka soo horjeeday 00 ay kala hoggaaminayaan saraakiishii Xoogga Dalka ka tirsanaan jirtey; kuwaasoo halkii ay waayadii hore dawladda dhexe daacadda uga ahaayeen, imminka uu mid waliba qabiilkiisii daacad uga yahay!

Dhinaca kale, waxaa isla taliskaas dagaal ku soo qaaday kooxo aan loo malaynayn inay ku soo qaadayaan, sidaas darteedna aanu iska jiri karin. Xubno waaweyn oo ka tirsanaa golihiisi wasiirrada iyo saraakiishii sar-sare ee maamulka rayadka ah ayaan ka daalin kufinta taliska maalinna, gaar ahaan tobankii sano ee jiritaankiisii ugu dambeysey; kuwaas 00 ay ahayd, inta ay ku jiraan, inay colka ka daafacaan, haddii kale isaga baxaan oo si toos ah jabhadaha ugu biiraan. Falkii kooxahaas iyo natiijadii ka soo baxday waxay ina barayaan sida ay run u tahay maahmaahda soomaaliyeed ee tiraahda, ‘geel ninkii lahaa dhacayo lama dhicin karo!’

Markii, haddaba, la isku daro maamulxumadii dalka ku baahday, waanwaan la’aantii uu hoggaankii sare ka muujiyey dhinaca xukun-wadaagga, burburkii aanu ka soo kaban ee xoogga dalka soomaaliyeed, dagaalkii hoose ee ay xubnihii maamulku isaga soo horjeedeen, cunaqabatayntii dhaqaale ee dawladaha waaweyn qaarkood ku hayeen, loogana jeeday inta uu talisku ku xantiiro inuu xukunka iskiis isaga wareejiyo; intaas oo la isku daray ayaa lagu macnayn karaa sidii ay ku suuraggashay jabhado aan taag lahayn 00 qabiil ku dhisani inay si fudud taliskii jilbaha ugu dhigaan, isla markaasna ay baabbi’iyaan hannaankii dawladnimo ee jiri jirey.

Talisku ma diidi jirin oo keliya jabhadihii hubaysnaa ee doonaayey inay awoodda qoriga xukunka kula wareegaan. Wuxuu kaloo diidi jirey, kuwaas hubaysanna ula mid ahaa qofqofka amaba kooxaha xilliyo kala durugsan marba isku deyi jirey inay bixiyaan talooyin ay la ahayd inuu isbeddal wacani ku imaan karo. Nasiibdarro, talisku wuxuu isku hab kula dhaqmi jirey qorigii jabhaduhu siteen, aayaddii ay wadaaddadu daliilinayeen, heestii ay fannaaniintu qaadayeen, riwaayaddii ay hooballadu dhigi jireen iyo dhammaan wixii ra’yi ah oo ka duwan midka ay madaxda sare qabto; weligiisba danta ummadda ha lagu tilmaamee. Intii hubka ku diriraysey hadday doorteen inay dibedaha colal kaga soo duuliyaan oo ay sidaas xukuumadda ku ridaan, kuwii habkaas diiddanaa ee erayga iyo tusaalaha murtida leh adeegsanaayey iyana waxay noqdeen wax jeelasha ku raaga iyo dayro ah oo si ulakac ah loo qabjebiyo. Sababahaas dartood, ma ahayn wax fudud jawigaas dhexdiisa in lagu abuuro ururro siyaasadeed oo, iyaga oo aan la is-hortaagin, u xusulduuba beddalaadda xukuumadda, hab nabadeedba ha doorteene.

Hadmaa, haddaba, la asaasay Ururka Al-itixaad? Waxaa ila habboon, su’aashaa intaynaan ka jawaabin inaan si degdeg ah wax uga niraahno xiriirkii weligiisba liitay ee u dhexeeyey taliskii M. S. Barre iyo qaar ka mid ah culimnada soomaalida. Iska-hor-imaad la dareemo kii ugu horreeyey oo ka dhex-qarxa labada dhinac wuxuu, sida la xusuusan yahay, ku beegnaa sannadkii 1975kii, markii la soo saaray xeerkii sumcadda xumaa ee lagu magacaabi jirey ‘Xeerka Qoyska’. Wuxuu xeerkaasi si indho-adayg ah uga hor-imaanaayey aayadaha Qur’aanka kariimka ah qaarkood, kuwaasoo uu Rabbi si cad ugu jideeyey dhaxalka iyo arrimo kale oo ku saabsan xiriirka qoyska muslinka ah ku saabsan. Wadaaddadii arrintaas ka diiray si aan naxariis iyo caddaalad 1ahayn ayaa loola dhaqmay, toban ka mid ahaana surka ayaa la ag-dhigay, iyadoo aan iyagiina, si wacan, loo dhegeysan, xukuumadduna aanay isa siin waqti ay ku caro-baabba’do!

Weli waxaa la isweydiiyaa sababta ama sababaha xukuumaddii M. S. ay arrinta sidaas degdega ah ugu maamushay. Ma waxaa lagu muujinaayey inuu dalku si fiican u qaatay Hantiwadaagga Cilmiga Ku Dhisan oo aanay jirin awooddii culimmada diintu, sidaas darteedna ay Jamhuuriyaddu mudan tahay inay ku biirto naadiga dalalka ‘horusocodka’ ah ee uu Midowga Soofiyeeti hoggaamiyo? Mise waxaa looga jeeday inay noqoto farriin kama-dambays ah oo uu talisku doonaayey inuu u tebiyo guud ahaan wixii mucaaradnimo ku jirtey, gaar ahaanna culimmada laga yaabo inay mustaqbalka ku daydaan kuwaas la laayey ee, maalin jimce ah, ku dhiirraday inay ‘Xeerka Qoyska’ afmuggii ku cambaareeyaan. Waxay u badan tahay labada sababoodba inay ku jireen maskaxda hoggaankii sare ee taliska, iyagoo islahaa ‘laba shimbirood dhagax qura ku dila.’

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadaasi waxay astaan u noqotay bilawga colaaddii dabada dheeraatay ee u dhexaysey xukuumaddii Muqdisho oo dhinac ah iyo culimmadii soomaalida qaarkoodii ay ka dhaadhacday inay xukuumaddaasu diinta islaamka hoos u dhigaysey, Shuuciyaddana, si rabid leh, ay u faafinaysey. Sidoo kale, waxay dhacdadaasi taliska u geysatey dhibaato kaga timid xiriirkii uu la lahaa dalalka muslinka ah, gaar ahaan Carabta hodanka ah, markaas ka horna uu dhaqaale badan ku qabey. Dhaqaalahaas oo ay ka jareen ka sokow, waxay dalalkaasi soo dhoweeyeen culimmadii taliska mucaaradka ku noqotay ee dhulkooda magangelyada ugu doolay; kuwaasoo, dabadeed, halkaas kasii waday dedaalkii ay ugu jireen xukuumadda Xamar inay ku ridaan, iyagoo ku soofaynaaya bulshada muslinka ah ee dunida wixii ay ka gaari kareen.

Runtii, waxay arrintaasi taliskii u geysatey dhibaatooyin aan yarayn, hase ahaatee, wax qumman kama tarin sidii ay culimmada soomaalidu gudaha dalka uga samayn lahaayeen dhaqdhqaaq-diineed sharciyaysan amaba, xataa qarsoodi ah. Taasna waxaa loo saarin karaa feejignaantii xukuumadda iyo culimmada lafteeda oo aan, sida qaybaha kale ee bulshada, isku ra’yi ka noqon karin, kuna heshiin karin: Nooca ururka ay samaysanayaan, ujeeddooyinka uu yeelan karo, cidda hoggaaminaysa iyo tabaha uu u hawlgeli karo. Waxaa, kolkii, muddo la joogaba la maqli jirey ‘Sheekh-hebel’ waa la xiray ama ‘masaajidkii hebel ahaa albaabbada ayaa la isugu dhuftay’ amaba ilaa amar dambe, ‘waxaa laga joojiyey tafsiirkii lagu geli jirey.’ Caro dadweyne oo guud iyo cambaarayn dibedaha lagaga dhawaaqo mooyee, ma jirin wax cod ah oo, qoraal qarsoodi ahna allaha ka dhigee, dalka gudihiisa laga maqli jirey.23 Sidaas ayay arrimuhu ahaayeen ilaa la soo gaarey 1991kii oo la manjoxaabiyey xukuumaddii Madaxweyne M. S. Barre.

Haddaba, mar labaad, aan ku noqonna su’aashii ahayd: Hadmaa la asaasay ururka Al-itixaad? Haddaan raacno, sida ay tahayna aan isaga qaadanno culimmada ururka mid ka mid ah oo aan Gedo kula kulmay24 jawaabtii uu su’aashaa ka bixiyey: Waxaa gudaha Soomaaliya lagu asaasay sannadkii 1983kii, wuxuuna ka dhismay iyada oo la isku daray urur-diineed waqooyiga ka jirey oo la oran jirey Al-waxda iyo mid koonfurta ka jirey oo isna la oran jirey Al-jamaaca Al-islaamiyah… iskuddarkii ka dib, waxaa Guddoomiye25 u noqday Sheekh Cali Warsame oo reer-waqooyi ah oo markii hore qaybta Al-waxda madax ka ahaa. In kastoo aan cidina xusuusan karin inuu mar qurana faroggeliyey arrimaha siyaasadda ee dalka, haddana ururka Al-waxda ee waqooyiga waa la maqli jirey, iyadoo ay hawlihiisu ku ekaayeen fidinta dugsiyada Qur’aanka laga barto iyo, guud ahaanba, faafinta diinta islaamka, taasoo lagu fasiri karo sababta uu talisku jiritaankiisa ugu dulqaatay. Dhinaca kale, ururxa Al-jamaaca Al-islaamiyah ee naloo sheegaayo inuu koonfurta ka jirey ma ahayn mid magaciisu ummadda soo gaarey, haddii uu jireyna ma soo dhaafin maskaxda xubnihii abuurkiisa isku soo qaaday! Teelkeede, Sheekhii Reer-Gedood sidii uu ii sheegay, waxaa Al-itixaad hoggaamiye u ah, loona qaadan karaa inuu hanuuniye guud u yahay Sheekh Maxamed Macallin Xasan, in kastoo aanu weligiis si toos ah madax ugu noqon.26 Arrintaas oo aan markii hore sidii la iigu sheegay isaga qaatay, kol dambe ayaan ka shakiyey markii aan dhegeystay waraysi ay laanta af- soomaaliga ee BBCdu Sheekhaas dhowaan la yeelatay.

Waraysigaas waxaa lagu weydiiyey waxa uu ka qabo ‘tasawufka’, raggii suufiyada caanka ku ahaa iyo siduu u arko dhallinyarada soomaaliyeed ee iyaga wax ka sheegta. Wuxuu u jawaabey si 100% ka duwan caqiidada Wahaabiyada ee ay Itixaadku Soomaaliya ku fidiyaan. Jawaabihiisii waxaa ka mid ahaa, “tasawufku waa fikri-diineed ku jira Islaamka, kuna ammaanan, ujeeddadiisuna waxaa weeye sidii uu ruuxa muslinka ahi naftiisa ugu carbin lahaa joogtaynta xuska Eebbe, iyadoo la caadaysto werdi joogto ah oo Rabbi loogu dhowaanayo. diinta Islaamka raggii dunida ku faafiyey ee meel walba geeyey waxay u badnaayeen suufiyiin… Tusaale waxaa loo soo qaadan karaa Sheekhii Soomaaliyeed ee suufiga ahaa oo isagu dalka Yugaandha (Uganda) diinta Islaamka geeyey oo ku faafiyay… waa Sheekh ay dadka dalkaasi ilaa maanta xusuusan yihiin oo ay kuu sheegi karaan…” Isaga oo aad mooddo inuu la hadlayo dhallinyarada Itixaadka oo ceebaynta tasawufka afka loogu tiray ayuu Sheekh Maxamed su’aashan soo jeediyey, taas oo ahayd, “… dhallinyarada tasawufka iyo suufiyiinta wax ka sheegeysaa, ha noo sheegeen waxa ay iyagu diinta u qabteen? Wuxuu ku soo idleeyey, “Qofka muslinka ah inaad qodqoddo oo aad hubiso caqiido sax ah inuu ku taagan yahay iyo in kale, adiga laguuma dirin, iimaanka kaaga ahna shardi uma aha.”27 Waraysigaas ka dib, waxsan suurayn waayey xiriirka ka dhexayn kara Sheekha jawaabihiisu caynkaas yihiin iyo Al-itixaad oo aan tasawufka islaamka iyo gaalnimadu wax qumman u kala soocnayn!

Ciddii doontaa ha hoggaamisee, Al-itixaad waa urur jira, urur hubaysan, urur ku hawllan ciidan-qorasho joogto ah, urur leh xiriir dibadeed. Waa urur tashigiisa aan la qarini yahay inuu xukunka Soomaaliya kula tartamo jabhadaha dhawr iyo tobanka ah ee haatan dalka ka jira, xataa haddii inta midoobaan isaga ka meel-noqdaan! Markii ugu horreysey ee sida balaaran loo maqley waxay ahayd bishii Juun 1992kii; waqtigaasoo ay magaalada Boosaaso, Garoowe iyo meelo kale oo gobolladaas ah dagaallo ba’ani ku dhex-mareen ciidammo ay lahaayeen iyo kuwii Jabhadda SSDFta28 oo iyada loo aqoonsan yahay inay ka taliso gobollada Bari, Nugaal iyo qaar ka mid ah kuwa dhexe. Sababaha qaraxa dagaalladaas waxaa, sida la xusuusan yahay, ugu weynaa cidda maamulaysa magaalada Boosaaso iyo dekaddeeda, sida la weriyeyna markii labada dhinac la isku daro waxaa goobahaas ku geeriyootey tiro gaareyaa 600 oo nin.29

Haraagii ciidanka Al-itixaad ee degmooyinkaas lagaga gacan-sarreeyey waxaa lagu qasbay inay waqooyi-bari ka qaxaan, waqooyi-galbeed u baynuunaan, Laaaqoray iyo agaheeda isku urursadaan, muddo ka dibna uu inan waliba u kaco halkii iyo degmadii uu u dhashay amaba, qabiil ahaan, uu tolkii dego. Wuxuu kaloo jabkaasi dibedda u soo saaray khilaaf aan la wada ogeyn oo muudaba ka dhex-jirey hoggaamiyeyaasha ururka; kaasoo lagu s00 koobi karo su’aashii xilligaas taagnayd oo ahayd: Ma habboon tahay, mase ma habboona inaynu gobollada dalka qaarka ‘dagan’ duullaamo ku qaadno, dabadeedna qabsanno, mar haddii aanay jirin xukuumad dhexe oo inaga ceshanaysaa? Dagaalkii Boosaaoo raggii galay waxay galeen iyada oo aan meel la isla dhigin su’aashaas jawaabteeda, taaaina waxay u horseedday in, wadataahi badan ka dib, la gaaro go’aammo laga dhex-arki karo waayo-aragnimadii iska-hor-imaadkaasi uu faa’ideeyey. Waxaa ka mid ahaa:

  1. Inaan ururku, marxaladdan, ku dagdegin inuu dalka meelo ka qabsado oo uu xukumo;
  2. In xoogga la saaro sidii mabaadi’da ururka loo faafin lahaa; ciidan iyo hubna loo heli lahaa;
  3. Inaan la gelin dagaal aan la hubin in lagu guuleysanayo, iyada oo mar walba la isku deyaayo, hab nabadeed, dadka maskaxdiisa iyo dalkaba in lagula wareego,
  4. Iyo inaan dagaallada jabhadaha soomaalida u dhexeeya laga qaybgelin

 

– VI –

Markaad u fiirsato gobollada dalka oo idil, waxaad arkaysaa Gedo inay tahay gobolka qura ee aan go’aammadaasi ka fulin, gaar ahaan midka 1d. Sidee bay, haddaba, taasi ku dhacday? Maxaase suuraggeliyey? Ma dagaal bay ku qabsadeen meelaha ay gobolka ka haystaan, mase si kale? Su’aashaas kolka laga jawsabayo, lama huri karo in wax laga yiraahdo dagaalladii sokeeye ee 1992kii Soomaaliya ka soconaayey, gaar ahaan kuwii gobolka Gedo ka dhacay. Dabayaaqadii bishii Abriil ee sannadkaas ayay ahayd markii USCda Caydiid ay gobolkaas sida fudud ku soo jibaaxday ee ay wada qabsatay, isla markaasna M. S. Barre 00 halkaas joogey ku qasabtay inuu Keenya galo 00 magangelyo siyaasadeed weydiisto. Sidii la filaayey, SNFta iyo dadka taageeraa waxay go’aansadeen inay ciidammadaas gobolkooda ka saaraan, taasina waxay ku hirgeli kartey 00 keliya, iyadoo hub iyo ciidanba, wixii la heli karey, si wadajir ah loogu hawlgalo. Ururka Itixaadka 00 berigaasba lahaa ciidan tababbaran 00 hubaysani arrintaas waa uu diiday, codsigii taliyeyaasha SNFta iyo odayaasha qabiilkana uma soo loodsamin. Waxaa loo arkaayey, in kastoo ay ahaayeen urur magac diineed sita, inay gobolka u dhasheen, ayna gar tahay qolada ay ku abtirsadaan kolba colkii dibedda kaga yimaada inay ka daafacaan. Iyaguse sidaas uu ’tolkocd’ u arkaayey isuma arkayn, waxaana ka go’nayd, iyagoo fulinaaya qodobka 4d ee ugu dambeeya go’aammada kor ku xusan, inaysan ka qaybgelin dagaallada u dhexeeya SNFta iyo USCda 00 aan middoodna iyaga ‘sokeeye’ u ahayn.

Ha yeeshee wax waliba uma dhicin sidii ay madaxda Itixaadku jeclaan lahaayeen. Waxaa qof walba u caddayd in aanay dhexkubbari noqon karin ama aanay heli karin bedbaado aan dadweynaha kale ee gobolku haysan. Wuxuu dareenkaasi, dabadeed, dhexdoodii ka sii bixiyey niman ay la xumaatay inay ‘xoraynta’ gobolka faraha ka laabtaan, iyada oo weliba guryahoodii xoog lagu haysto, hantidoodiina la dhacaayo. Arrin ay ku kala qaybsameen ayay noqotay, heshiis loo dhan yahayna waa laga gaari waayey, kolkii ay madaxdii sare ku adkaysatay ciidankoodu inuu dirirta bannaanka ka joogo ilaa toos loo soo weeraro.

Qaar ka mid ah saraakiisha SNFta ee dagaalladaas hoggaaminaayey sida ay ii sheegeen, aad bay u yarayd kaalintii uu Itixaadku ka qaatay hawlgalkii ciidanka USCda gobolka lagaga saaraayey. Bishii Mey aakhirkeedii, 1992kii ayay wax ka galeen mid ka mid dagaalladii ay SNFta iyo USCdu Luuq ugu loollamayeen, taasina, siday saraakiishaasi ii sheegeen, waxay ku dhacday amar-diiddo ay ku kaceen koox ururka ka tirsan 00 ‘waajib dii¬need’ u arkay inay geyigooda iyo dumarkooda colka Xamar kaga soo duulay ka ceshadaan. Dagaalkaas Luuq 00 aysan qudhiisa wadajir u gelin, heshiisna ku ahayn mooyee, Itixaadka Gedo wuu diiday inuu mid kale ka qaybgalo amaba uu hubka ciidanka SNFta qaar u gudbiyo, in kastoo ay mar walba ku doodaan inay ‘tolkood’ qayb ka yihiin! Sidaasoo ay tahayna, shirweyne kol dambe Xamar lagu qabtay oo laamaha Al-itixaad oo idili ay isugu yimaadeen ayaa ‘Itixaadka Marreexaan’ waxaa lagu cambaareeyey inay SNFta la falgaleen, dagaalkii ay ciidanka Caydiid wax kaga qaadeenna waxa lagu tilmaamay ‘mid, diin ahaan, baaddil ah!’31

Sidii la doonaba ha loo arkee, kolkii lagu guuleystey in USCdii Luuq laga saaro ayay SNFtu bilawday inay isu diyaariso sidii ay degmooyinka kalena uga saari lahayd, taasoo – sidii aan meel hore ku soo sheegay – uu Itixaadku diiday inuu gacan ka geysto. Isla markaasna, waxay odayaasha gobolka iyo jabhadda taliyeyaasheeda ka codsadeen in iyaga, maamul ahaan, Luuq loo dhiibo, daafaceedana lagu halleeyo, haddii ay USCdu soo rogaal-celiso. Si fudud baa looga oggolaaday, iyaguna waxay ballan-qaadeen inay ‘gacanta tolka’ ku soo celin doonaan, mar alla markii degmooyinka oo idili ay ciidammada qalaad ka ‘xoroobaan’. Odayaasha gobolka mid ka mid ah oo ku jirey heshiiskaas raggii Al-itixaad la galay ayaa, isaga oo sida wax u dhaceen ii fasiraya igu yiri, “… Waxay nagaga faa’idaysteen dagaalladii aan USCda kula jirney… waxay nagu yiraahdeen, ‘inta Baardheere colka laga saarayo ayaannu Luuq idiin sii haynaynaa’ … qorshe gaar ah oo ay naga 1ahaan kareen ma aannaan garan karin, shakina kama aannu qabin, maxaa yeelay waxay wada ahaayeen wiilashayadii oo aannu sal iyo baar u wada niqiin… waase nagu ballanfureen, go’aankii ugu horreeyey ee ay soo saareen bishii Juun, ‘92kiina wuxuu noqday inay baabbi’iyaan Guddigii Odayaasha Degmada Luuq oo meeshaba iyagu u dhiibay…”32 Haddii ay Luuq sidaas sahlan gacan Itixaadka ugu dhacday, waxaa uga sii sahlanayd Beledxaawo; saraakiishii USCda ka saartay qaarkood oo ilaa markaas SNFta ahaa ayaa Itixaad isu rogey, in kastoo sarkaalkii tallaabadaas ku kacay uu kol dambe ka baxay ururkii uu magaalada dhan siiyey.33

Ciidan ahaan, Itixaadka Gedo, sida la rumaysan yahay, wuxuu soo dagaal-gelin karaa, ugu yaraan, 200 oo dhallinyaro ah oo tababbar askareed leh. Waxay qayb fiican ka haysteen hubkii faraha badnaa ee ay soomaalidu ka boobta xeryihii Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwii Booliska, had iyo jeer iyo maalin walbana waxay diyaar u yihiin hub iyo saanad dheeraad ah inay dadweynaha gobolka ka gorgoriyaan, kana iibsadaan. Saraakiisha sare ee ururka nin ka tirsanaa, asii dhowaantan ka baxay siduu u dhigay, “… waxay ku hawllan yihiin hub-iibsasho joogto ah, waxayna aamminsan yihiin qoriga oo ay doonayaan inay dhul iyo dadba ku hantaan…”34

Waxay leeyihiin dhawr xero oo ku kala yaal meelo magaalooyinka iyo waddooyinka waaweyn ka fog. Halkaas baana lagu kaydiyaa hubka iyo saanadda, laguna tababbaraa xubnaha, askar ahaan, lagu kalsoonaan karo, ee uu soo gudbiyo waxa loo yaqaan ‘Xafiiska Jihaadka’ ee ciidan-qorista u xilsaaran. Warar aan la xaqiijin karin, asii gobolka ku baahsani waxay sheegayaan, saraakiil shisheeye ah oo dalalka muslinka ah qaarkood laga soo diray inay marmar xeryahaas tagaan, ciidanka ururkana tababbar ku siiyaan.

Dhallinyaro cusub oo aan weligood askar noqoni in kastoo ay ku jiraan, haddana madaxda iyo ciidanka intiisa la isku hallayn karaa waxay ku abtirsadaan xubnihii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee, burburkii dawladda ka dib, ay xubin waliba geyiga tolkeed dego ku noqotay. Waxaad ku dhex-arki kartaa qaar badan oo ka tirsanaa saraakiishii iyo askartii loo yiqiin ’koofiyad-casta’ ama guutadii 91d ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda saldhiggeedu ahaa. Tusaa1e ahaan, sarkaal sanooyinkii ugu dambeeyey siddeetanaadkii ayaa ‘92kiina Luua tal ahaa taliyihii guutadaas ayaa ‘92kiina taliye looga dhigay Luuq, isaga oo inta ‘hanuunay’ Itixaadka ku biiray! Nin aannu ifafaalahaas ka sheekaysannay ayaa igu yiri, “tababbarka keliya ee saraakiishaas iyo askartaasi ay soo qaateeni haddii uu ahaa dagaal iyo dagaal-gelin, dawladdii ay ciidanka u ahaayeenna ay burburtay, maxaad ula yaabaysaa haddii ay maqleen cid ‘baaq-dagaal’ ugu yeeraysa, wixii ay yiqiinneenna wax u dhaafinaysa?” In kastoo uu ninkaasi arrinta dhinaca ganacsiga farsamada ka eegay, haddana lama inkiri karo inay jiraan dhallinyaro mabaadi’da ururka u jidbaysan oo, sida da’yarta oo idil caadada u ah, aan inna wax waanwaan ah ka oggolayn fikradaha ay waayeelku maskaxdooda ku shubeen.

Ciidanka waxaa iyaguna ku jira dhallinyaradii dugsiyada dhexe ama kuwa sare dhigan jirtey ee 1991kii ka dib ay waxbarashadii ka kala go’day. Sidoo kale, waxaa iyaguna ka mid ah ardadii jaamacadda ummadda ku qornayd oo ay iyagana u suuroobi weydey inay helaan ‘deeq waxbarasho’ oo ay inta u hartay ku dhammaysan karaan. Meeshii ay doonaanba ha ka kala yimaadeene, saraakiisha, askarta iyo ardaduba waxay wadaagaan, mar qurana soo wada foodsaaray waxyaabo lagu soo koobi karo: Jahawareer, mustaqbal mugdi ku jiro, saboolnimo iyo shaqo la’aan! Culuunta bulshadu sida ay ina barayso, arrimahaas oo kale haddii ay dhallinyarada la soo gudboonaadaan, si biimo ah oo aan degganayn, ayay ku raadiyaan habkii ay kaga bixi lahaayeen, waxayna u dhego-nuglaadaan ciddii u gacan-haaddisa. Taas baa, malaha inoo fasiraysa waxa afartii sano ee ina dhaaftay ay dhallinyaro badan oo Reer-Gedo ahi ay marna SNFta ugu dagaallamayeen, marna Al-itixaadka ugu biirayeen, marna ay uga baxayeen!

Dhallinyaradaasi waxay aad uga muuqdaan magaalada Luuq oo xubnaha Al-itixaad, meel ay dunida ka joogaanba, ay u haystaan inay tahay ‘xarunta’ ay ifka ku leeyihiin.35 Qaybaha hore ee qoraalkan meelo ka mid ah sidii aan ku soo sheegnay, magaaladaasi waxay, maamul ahaan, ka go’an tahay Gobolka Gedo intiisa kale, ciidanka ururkuna wuxuu u ilaaliyaa si aad u feejigan, iyadoo la moodo in looga soo digay ciidammo ku soo fool leh oo dhowaan ka qabsan doona! Degmooyinka kale ee gobolka qofkii ka yimaada waxaa loola dhaqmaa sidii qof shisheeye ah oo dal iyo qaarad kale ka soo doolay. Haddii uu xataa degmada u dhashay oo ‘hebel’ loo garanaayo, ma jiro qof socoto ah oo ka bedbaadi kara in Rugta Booliska la geeyo, laguna baaro, iyada oo laga goobaayo jaad, sigaar iyo… iga rumayso… sawirro!

Jaadka iyo sigaarku waa laba shey oo nolosha qofka aad ugu daran, magaalo ama dal adduunyada ka mid ah in laga joojiyaana waa tallaabo ruux kasta oo xilkas ahi uu ku farxi lahaa. Ha yeeshee, ma aha wax fudud, xataa haddii xeer-ciqaabeed lagu fuliyo qof kasta oo joojintaas is-hor-taaga. Meel kaleba innaga oo aan u kicin, waxaa tusaale inoogu filan 19kii bishii Maarso, 1983kii xeerkii joojinta jaadka ee ay xukuumaddii M. S. Barre soo saartay; kaas oo laba sano ka dib ciidammadii dalka u wada rogey in jaadka soo gelisa, in kala wareegta iyo in labadoodaas ugaarsata amaba wax ka shaxaadda!

Markii ay Luuq jaadka iyo sigaarka ka joojiyeen, waxay Itixaadkuna soo saareen xeer-ciqaabeed dhaqanka soomaalida xu foolxun; kaasoo ah in qofkii labada midkood lagu helo meel fagaare ah lagu karbaasho oo  10 ilaa 30 darbadood tiro u dhexaysa lagu dhufto! Taariikhda isticmaarsigii soomaalida qofkii la socdaa siduu og yahay, Talyaaniga iyo Ingiriiskuba xilligii ay dalkeenna gumaysanayeen, marna kuma dhiirran inay karbaashka xeerarkoodii ciqaabta ku daraan, iyagoo iska ilaalinaayey raacatadaas islaweynida badan inay qabkooda dhaawacaan, dabadeedna la eedo! Si kastaba ha ahaatee sarkaal Itixaadka ka tirsan oo aan weydiiyey waxa ay ciqaabta karbaashka ku doorteen wuxuu ii sheegay hadal run loo qaadan karo, asii ay badrad iyo naxariisdarro ka muuqdaan. Wuxuu yiri, “ururku awood dhaqaale uma laha inta uu dembiileyaasha xarig ku xukumo inuu jeelasha ku hayo oo maalin walba uu halkoodaas cunto ku siiyo!”

In kastoo joojinta qaadka iyo sigaarka dad jebiyey la karbaashey, haddana labadeeda midna magaalada kama joogsan, waxaana loo isticmaalaa tabtii hore. Waxa keliya
ee soo kordhay waxay yihiin inaan dukaammada iyo suuqyada lagu kala gadan. Jaadku wuxuu magaalada kaga yimaadaa dhinaca Beledxaawo, waxaana baabuurta lagaga dejiyaa webiga jiinkiisa galbeed, meel 300 oo tallaabo aan waxba ka fogeyn kaabadda uu ciidanka Itixaadku joogo halkaasoo ay ganacsatadu, isaga iyo sigaarkaba, kula kala wareegaan. Bishii Sibtembar ee sannadkan ‘94ka markii aan Luuq tegey, marduufka jaadka ahi wuxuu ka joogey intii uu Beledxaawo ka joogey, taasoo ku tusin karta in aan amarkii joojintu dhaqangal noqon! Sidoo kale, waxaan isna wax iska beddalin qiimaha sigaarka, dadkii cabbi jireyna, tiri ahaan, isma dhimin, siduu ku kaftamay nin dadkii lagu karbaashey ka mid ahaa oo aan Luuq ku waraystay. Ninkaas oo aan dareensiiyey jaadka iyo sigaarkuba inay xun yihiin oo in la joojiyaa ay wax wanaagsan tahay ayaa igu yiri, “marka aad qaadayso tallaabadaas oo kale, waxaa loo baahan yahay dadweynaha inta badani inuu taageersan yahay… Ma aha laba nin oo keliyihi inay dadka kale oo dhan iyagu wax u go’aamiyaan… midda kale, jaadka iyo sigaarkuba waxay ka yimaadaan Mandheera oo Keenya ah, waxayna soo maraan Beledxaawo, markaas ka dib bay Luuq soo galaan…” Wuxuu ku soo ebyey, “… haddii ladagaallanka jaadka iyo sigaarka uu Itixaadka dhab ka yahay, iyaga ayaa soohdinta iyo Beledxaawo xoog ku haystee, maxay halkaas ugu horjoogsan waayeen?” Waa su’aal meesha ku jirta.

Dhallinyarada ururka ku soo biirta marka laga dhaadhicinayo jaadka iyo sigaarka inay joojiyaan, waxaa loo sheegaa inay, diin ahaan, xaaraan yihiin oo khamriga iyo khamaarka la mid yihiin. Badanaa looma baahdo in loo sheego dhibaatooyinka caafimaadka iyo kuwa dhaqaalaha ee ay qofka iyo qoyskaba u geysan karaan; kuwaasoo ay culimmada Islaamka qaarkeed cuskadeen kolka ay labadaas shey ‘xaaraan’ ku sheegayaan. Dhinaca kale, waxaa jiro culimmo badan oo ka dhawrsata inay si qayaxan ‘xaaraan’ ugu sheegto, mar haddii aan Eebbe Qur’aanka kariimka ah ku xusin, sunnadana aan meel lagu diiday laga helayn. Waxay, sidaas darteed, isaga gaabsadaan inay yihiinwaxyaabo xun oo mudan in la naco (Makruuhaat), maxaa yeelay Eebbe keliya ayaa waxna xaaraamayn kara, waxna xalaalayn kara, awooddaasna cidi lama wadaagto.

Sheekh Axmed-Siraad Sheekh Cabdullaahi oo ka mid ah culimmada waaweyn oo haatan Gedo ku nool ayaan weydiiyey haddii ay, diin ahaan, bannaan tahay in qofka jaad iyo sigaar dartood lagu karbaasho. Isagoo aad mooddo inuu u liicsan yahay aragtida ah inay xaaraan yihiin ayuu yiri, “labaduba waa wax xil leh oo si walba u xun, qofka isticmaalana waa ku dembaabayaa, ha yeeshee, waa dembi isaga iyo ilaahiis ka dhexeeya… cid kale xaq uma laha, xilna kama saarna inay dembigaas u raacato oo ku ciqaabto!”

– VII –

Halganka joogtada ah ee uu Itixaadku ugu jiro gacan-ku-dhigidda Gedo wuxuu dhibaato u geystey nolosha siyaasadda iyo midda dhaqaalaha ee dadweynaha Gobolka. Taas si aan u muujinno waxaa lagama-maarmaan ah inaan faahfaahinno dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin: xiriirka uu Itixaadku la leeyahay hawlgalka Jamciyada Qurumaha ee Soomaaliya (UNOSOM II), midka uu la leeyahay SNFta, hay’adaha samafalka ee Gobolka ka shaqeeya iyo aragtida ay ka haystaan Ugaaska Reerka iyo odayaasha kale ee, hidde ahaan, bulshada hoggaamiya.

Itixaadka, SNFta iyo Unosom: Laga soo bilaabo bishii Disembar, ’92kii, markii uu Maraykanku Soomaaliya ciidan ahaanta ku soo galay, Itixaadku marna ma qarsan inay ka soo horjeedaan joogitaanka iyo faroggelinta shisheeyaha, sabab kasta taasi ha lahaatee. Taasna waxaa ugu wacnaa madaxda Itixaadka oo aan moogeyn mawqifka adag ee ay, guud ahaan, Reer-Galbeedku ka taagan yihiin ururro-diineedka waddammada Islaamka ka jira ee siyaasaddoodu tahay, iyagoo qoriga adeegsanaya, inay hoggaanka dalalkooda la wareegaan. Waxaa kaloo laga yaabaa isla madaxdaasi inay si wanaagsan u garanayeen inaysan ku jiri doonin kooxaha iyo ururrada soomaaliyeed ee lala xaajoon doono, kolkii laga hadlaayo sidii dalka maamul hor leh loogu samayn lahaa. Isla beryahaas, dad badan oo soomaali iyo shisheeyaba leh ayaa isku deyi jirey inay ogaadaan sababta ‘runta’ ah ee Maraykanka ku qasabtay 30 kun oo nin ciidan gaaraya inuu Soomaaliya ka dejiyo. Sababaha dhaqaalaha iyo kuwa siyaasadda ka sokow, waxaa iyadana la soo qaadi jirey sabab kale oo ahayd: Wuxuu Maraykanku doonayaa inuu indhaha ku hayo, isna hortago dhaqdhaqaaqa seef-la-boodka ah ee Islaamka ku abtirsada oo danihiisa fog ee gobolka halista ku ah; Masar, Soodaan, Itoobiya, Iiraan iyo Soomaaliya oo ay hadda ku xoogeysanayaan. Waxaa loo malayn karaa inay wararkaasina kordhiyeen colaaddii ay Itixaadku u muujiyeen Maraykanka iyo weliba Unosom oo markii dambe xilkii uu hawlaha gargaarka iska saaray kala wareegtay.

Sabab doontaa ha u qarsoonaatee, dad badan oo soomaali ah ayaa si xad-dhaaf ah ugu farxay faroggelintii Maraykanka iyo bulshada adduunku ay soomaalida ugu soo gurmadeen dabayaaqadii ‘92kii. Boqollaal qof oo dirir sokeeye iyo dawlad la’aan u baabba’ay ayaa maalin walba macaluul ugu dhimanaayey Xamar, Baardheere, Baydhabo iyo meelo kale oo dalkeenna ka mid ah. Dadkaas intii ku dhex-jirtey iyo intii ba’ooda telefishannada ka daawan jirtey ma awoodi karin inay gurmadkaas is-hortaagaan oo ka shakiyaan amaba ay ku taliyaan in la hakiyo inta la helaayo sababta ‘runta’ ah ee faroggelinta ka dambaysa! Waxay ahaayeen boqollaal qof oo si degdeg ah ugu baahnaa cunto, dawo iyo nabadgelyo; saddexdaas oo ay ka waayeen dalkii ay u dhasheen iyo iyo kuwii madaxda isaga dhigayey. Waxaa mudan in la xusuusto toddobaadyo tiro yar ka dib in lagu guulaystey dantii dhoweyd ee gurmadka laga lahaa. Waxaa si layaab leh u yaraaday cudurradii gaajada iyo macaluushu ay sababayeen ee maalintii soo gashaba, Baardheere keliya, ay boqollaalku u god-gelaysey, cuntadii iyo dawadiina, laba bilood ka dib, waxaa la waayey cid qaadata! Sababta uu, haddaba, hawlgalkii rajo-soo-celinta (Operation Restore Hope) soomaalida badankeeda taageerada uga helay waa middaas ee ma aha inuu ku guuleystey in dalka uu u soo celiyey dawladnimadiisii burburtay. Taas iyada ma jirto cid eed laga saari karo oo aan ahayn madaxda ururrada soomaalida, maxaa yeelay nin isagu gurigiisa duminaya cidina uma dhisi karto.

Si kastaba ha ahaatee, Jamciyadda Quruumuhu waxay in badan isku dayday inay ururrada soomaalida meel isugu keento, si ay khilaafka ka dhexeeya uga heshiiyaan, isulana meel-dhigaan sidii ay dawladdoodii burburtay dib ugu dhisan lahaayeen. Shirarkaas waxaa Gobolka Gedo iyo degmooyin Galguduud ka mid ah ka matalaayey jabhadda SNF oo iyada maamulka iyo siyaasadda geyigaas looga dambeeyo. Ururrada kale ea soomaalida iyo Unosom labaduba waxay aqoonsan yihiin, arrimaha dhulkaasna kala xaajoodaan madaxda SNFta, ha yeeshee wuxuu Itixaadku mar walba isku dayaa inuu cid walba tuso jabhadda magacaas leh inaan wax gacanta ugu jirin!

Unosom iyo SNFtaba isku si ayuu Itixaadku u arkaa, waxaana ka go’an qorshe kasta oo ay labadoodu gobolka ugu soo talo-galaan inay god dheer u qodaan, dabadeedna ku hubsadaan. Waxaa tusaale inoogu filan wixii ay ka yeeleen heshiiskii dhawrka waji lahaa ee bishii Maarso, ‘93kii ay ururrada soomaalidu Addis Ababa ku kala saxiixdeen, ujeeddadiisuna ahayd in saddexdii qaybood ee ay dawladdu ka koobnaan lahayd hoos laga soo dhiso, dadweynahana hubka laga dhigo. Madaxda SNFtu wax yar ka dib markii ay wax ka soo saxiixeen heshiiskaa, waxay wadahadallo la yeesheen Al-itixaad, iyagoo ku guubaabinaya inay ka qaybqaataan sidii, aynu, gobol ahaan, qodobbada heshiiska u fulin lahayn. Jawaabtii ay bixiyeeni waxay noqotay in ay mabda’ ahaan diiddan yihiin waxa alla wixii Unosom iyo ‘gaalo’ lug ku leh ama ka soo jeeda, iyagoo, malaha, dareensanaa heshiiskaas fulintiisa, iyaga gaar ahaan inaan dani ugu jirin. Waxay diideen Luuq oo ay joogaan in laga dhiso Guddiga Degmada ee tiradiisu 21ka tahay, kuna xusan heshiisyadii Addis lagu saxiixay. Waxay kaloo gaashaanka ku dhufteen qodobkii ahaa in hubka dadweynaha laga uruuriyo, sidaas darteedna ay kooda ku wareejiyaan guddiyada loo xilsaaray. Sheekh Aadan Sheekh Cabdullaahi oo ah Sheekh diinta Islaamka caan ku ah, gobolkana u dhashay ayaa isna soo faroggeliyey arrinta ururinta hubka iyo Itixaadka, wuxuuna madaxdooda Addis Ababa uga soo diray warqad uu ku guubaabinayo inay hubka dhiibaan, heshiiska ummaddana raacaan. Waxba lagama yeelin, waxbana kama naaso-caddaan.36

Haddaba, magaa1ada Luuq mooyee, gobolka intiisa kale waxaa ka hirgalay dhismihii guddiyada degmooyinka oo qorshuhu ahaa markii ay isu yimaadaan inay ‘guddi gobol’ iska dhex-doortaan, dabadeedna uu guddigaasi iska soo saaro saddex xubnood 00 uu gobol waliba u dirsado ‘Gole sharcidejin’ ah oo kutaloggalku ahaa, haddii uu isu yimaado, inuu isagu dhiso xukuumad kummeelgaar ah oo muddo laba sano ah dalka hoggaamisa. Gedo waxay ka mid tahay meelaha aan qorshahaas weli laga dhammaystirin, sababtuna ma aha khilaaf siyaasadeed ee dadweynaha gobolka ka dhex-jira… waa mid ka dhex-jira Itixaadka iyo SNFta oo aan kol dhow ka hor ka quusan inay si joogto ah madaxda ururkaas uga dhaadhiciyaan inay Luuq ku soo daraan hannaanka siyaasadeed ee gobolka iyo dalkaba loo gartay.37

Itixaadku waxay kaloo isku dayeen in ay carqaladeeyaan dhismihii Guddiga Degmada Beledxaawo oo, in kastoo ay Rugta Booliska, ciidan ahaan, ay iyagu haystaan ayaan, aida Luuq, u faroggelin nolosha maalin walba ah ee bulshada. Waxay ku dedaaleen inaan guddigaasi dhismin, waxaase taa ka hortegey wakiillada SNFta iyo odayaasha magaalada, dabadeedna ‘93kii ayaa halkaas laga dhisay guddi 21 xubnood ah oo xafiiska siyaasadda ee UNOSOM uu haddiiba aqoonsaday. Ha yeeahee, madaxda Itixaadku guuldarradaas ma ay oggolaan, waxayna dhexdooda ka go’aansadeen in ay aarsadaan, guddiga Unosom aqoonsatayna aan waxba u hagaagin. Ergada Jamciyada Quruumaha ee xaruntooda gobolku ay Baardheere tahay waa la aocdaan xaaladda ay Luuq iyo Beledxaawo, ciidan ahaan iyo maamul ahaanba, ku sugan yihiin. Way og yihiin in aanay ahayn degmooyin gacanta SNFta ku jira, sidaas daraaddeed, uma soo dirsadeen, mashaariicda taakulada dadweynahana war kama soo gaaraan. Waxaad mooddaa labadaas meelocd dadka deggan in lagu ciqaabayo inay ka gilgilan waayeen taliska ‘Unosom-diidka ah’ darteedna ay iyaga oo keliyihi mas’uul ka yihiin dandarrada ay qabaan!

Dhowaan iyo dabayaaqadii bishii Juun ee sannadkan ayaa arrimaha Gedo ninka Unosom ugu qaybsani wuxuu Baardheere ugu yeeray ergo ka tirsan Guddiga Degmada Beledxaawo ee la aqoonaan yahay. Ergadaas oo uu Guddoomiyaha Degmadu hoggaaminaayey waxaa loo sheegay Unosom inay dooneyso in ay degmadooda ka bilawdo mashaariic nolosha bulshada waxtar u leh, dad badan oo reer-beledka ahina ay shaqo ka heli karaan. Waxaaae la weydiiyey, inta aan mashaariicdaas la bilaabin, inay ballan-qaadi karaan nabadgelyada dhaqaalaha jamciyadda quruumaha iyo inay ciidanka Itixaadka ka dhaadhicin karaan inuusan xorriyadda dhaqdhaqaaqa ee shaqaalahana kala dhantaalin, hawlahoodana ku faroggelin. Si ay ergadu jawaab kama-dambays ah u bixiso, waxay ku noqdeen Beledxaawo, waxayna qabteen shir ay isugu yimaadeen odayaaahii magaalada iyo madaxdii bulshada.

Waxaa kaloo iyaguna halkaas joogey oo loogu yeeray rag Itixaadka ka tirsan. Wakiilada iyo taageerayaasha ururkaasi jawaabtii ay bixiyeeni waxay noqotay mid la mid ah tii ay ka bixiyeen fulinta heshiiskii Addis Ababa. Ergadii iyo shirkiiba waxay u sheegeen in aanay yeelayn wax kasta oo Unoaom iyo ‘gaalo’ lug ku leeyihiin. waana lagu kala tegey!
Maalmo yari kolkii ay dhacdadaas ka soo wareegeen, bilawgii bishii Luulyo ee isla sannadkan ayuu Itixaadku aoo saaray tax magacyo ah oo ka kooban 27 nin, xubno iyaga ka tirsani ku jiraan oo ay ku sheegeen intoodaasi inay yihiin ‘guddiga degmada Beledxaawo’! Arrintaasi bulaan iyo xiisad bay ka kicisay bulshada degaanka ku nool dhexdeeda, in kastoo xubnihii lagu soo daray qaarkood ay durbadiiba ku dhawaaqeen inay ka baxeen, iyaga oo ka xumaaday ka hor intaan lala tashan in magacyadooda la isticmaalay. Guddigii Degmada ee la aqoonsanaa ka sokow, waxay tallaabadaasi kaga caraysiisay dadweynihii magaalada oo markaan aad u dareemay ‘cunaqabataynta dhaqaale’ ee uu la silicsan yahay iyo cidda ugu wacan.

Luulyo 9keedii ayaa madaxda Itixaadka waxaa gacanta laga geliyey warqad 5 bog ka kooban oo ashtako xoog lihi ku qoran tahay, kana soo baxday oo ay wada saxiixeen odayaal tiradoodu dhan tahay 162 nin, ayna ugu horreeyaan Wakiilka Ugaaska ee aaggaas iyo Golaha Nabaddoonnada degaanka ee uu isagu u guddoomiyo. Nuxurka warqadda waxaa lagu soo koobi karaa inuu ahaa codsi caro weheliso oo ururka lagu weydiisanaayo inay arrimaha siyaasadda ee magaalada faraha uga qaadaan Guddiga Degmada ee sharciga ah. Intiise aysan codsigaas dhambaalkooda ku soo gunaanadin, odayaashu waxay ku faahfaahiyeen sida, maamul ahaan iyo nolol ahaanba, ay degmadu joogitaankooda u eedday, iyagoo, isla markaasna ka digey falalkoodu inay dagaal-sokeeye u horseedi karaan. Waxay, runtii, ahayd bannaanbixii k00waad ee dadweynaha degaankaasi ay Itixaadka Gedo ugu sheegayeen waxa ay, dhab ahaan, ka rabaan!

Tallaabadaas ay Golaha Nabaddoonnadu ku dhaqaaqeen ka dib, waxaa isna dhaqdhaqaaq abaabul ciidan ah sameeyey Guddiga rasmiga ah ee Degmada oo si ba’an uga carooday ‘guddiga’ laga garab-sameeyey. Waxay u arkeen wax loola jeedo in iyaga hawlahooda lagu naafeeyo, isla markaasna lagu muujinaayo cid aan Itixaadka ahayni inaysan degmada waxba ka goyn Karin. In kastoo Guddiga rasmiga ah ee Degmada ay ururiyeen hub iyo ciidan door ah, kooxo-kooxo hubaysanna ay magaaladaas, dhoollotus ahaan, ku dhex-mareen, haddana, nasiibwanaag, wax fal dagaal ahi ma dhicin. Taasina kuma imaan inta la wada hadlay in la isqanciyey ama ururku inta warqaddii ka jawaabey inuu baabbi’iyey ‘guddigii’ ay iyagu magacaabeen. Waxay ku timid oo keliya ‘xiriirka dhiigga’ oo isku xira labada dhinac, asii dhinac keliya laga aqoonsan yahay; dhinaca nabaddoonnada iyo dadweynaha caadiga ah!

Unosom weligeed Itixaadka xiriir lama yeelan, umana aqoonsan inay yihiin urur miisaan siyaasadeed leh oo mudan in arrimaha Soomaaliya lagala xaajoodo. Waxay u haysataa inuu yahay urur-diineed hubaysan oo taageerada uu haystaa ay kooban tahay, dantiisuna tahay inuu talada dalka kula wareego xoog, dabadeedna uu dhiso xukuumad ay ‘wadaaddadu’ ka taliyaan oo la mid ah midda Iiraan. Itixaadka laftiisu, sidaan meel hore ku soo sheegnay, ma mooga aragtidaas uu maamulka J. Quruumuhu ka qabo, taasina waxay, maalintii soo martaba, ku kordhisaa colaad joogto ah oo ay hayaan Unosom iyo, sidoo kale, jabhadaha soomaalida ee joogiddeeda taageersan. Dhawrka siyood ee markii Gedo la joogo ay colaaddaas ku muujiyaanna waxaa ka mid ah, A) curyaaminta qorsheyaasha siyaasadeed ee lagu heshiiyo inay gobollada oo idili, midba dhinaciisa uu ka fuliyo, sida mawqifkii ay heshiiskii Addis Ababa ka qaateen, B) Is-hortaagga mashaariicda taakulada ee hay’addaas ama kuwa ay maalgelisaa ay kolba degmooyinka gobolka qaarkood u fidiyaan, si shisheeyaha deeqda bixiya iyo dadweynaha aan kalgacal uga dhex-beermin, C) s00-dhoweynta burcadda gobolka ka tirsan ee inta kolba Unosom qalab ama baabuur ka soo dhacda la soo gasha degmooyinka uu ururku, ciidan ahaan, ku haysto, D) iyo dacaayadda joogtada ah ee gurmadka bulshada dunida lagu yasayo, iyadoo dadweynaha laga dhaadhicinaayo joogitaanka Jamciyadda Quruumaha iyo shaqaalaheedu inay tahay wax, diin ahaan, xaaraan ah oo uu ‘Jihaad’ ka waajibaayo!

Hay’adda Unosom haddii ay Itixaadka ka leedahay aragti qeexan oo ay ku eegto, jabhadda SNFtu iyadu kama laha. In kastoo arrintu ay si toos ah jabhaddaas u khusayso 00 ay ahayd inay beri horeba (bartamihii ‘92kii) soo bandhigaan siyaasad cad oo ay ururkaas kula dhaqmaan, haddana taasi ma dhicin. Si u eg sida dadweynaha caadiga ah oo ay waxyaabo badani isaga dhex-daadsan yihiin ayaad mooddaa hoggaanka SNFtana arrimo door ahi inay isaga qasan yihiin; marka loo eego aragtida ay ka haystaan ururka loollanka kula jira, inay aqoonsan yihiin iyo in kale, sida iyo habka ugu wanaagsan ee ay tahay inay ula xaajoodaan, haddiiba maalin maalmaha ka mid ah ay meel soo wada fariistaan. Madaxda SNFta qaarkoodii aan Gedo kula kulmay, kama ay muuqan wax welwel ah oo ay ka qabaan: laba degmo oo gobolka ka mid ahi inay ku jiraan gacanta urur-diineed iyaga si walba u diiddan. Ma ay dareensanayn inay dareen tahay inuu gobolka ha tuuro hub aad u faro badan oo, iyaga jabhadda ahi, aanay ururin karin, kana jawaabi karin berri-ka-maalin haddii ay soomaali wax ka weydiiso. Markii aan gobolka joogey, madaxda SNFtu waxay u debecsanaayeen siyaasadda ‘Asaddihinta’ ku salaysan ee ay Itixaadku adeegsadaan beryahan dambe, kolka ay doonayaan waqti dheeraad ah inay helaan. Sidoo kale, SNFta kama aan garan inay ka xun yihiin, in kastoo talada gobolka iyaga loo aqoonsan yahay, haddana inaysan ka wada talin oo xataa degmooyinka qaar ka mid ah aanay weligood booqasho ku tegin!

Ururka A1-itixaad, Gedo ama gobollada kale halkii uu doono ha joogee, wuxuu isagu leeyahay aragti guud oo uu ka haysto SNF iyo dhammaan jabhadaha iyo ururrada soomaalida ee talada dalka, muddaba, loo11anka ugu jirey. Si la mid ah sida ay Unosom ula dagaallamaan ayay iyagana ula dagaallamaan, giddigoodna waxay u sawiraan inay yihiin kooxo diinta Islaamka col ku ah oo, siyaasad ahaanna, shisheeyaha u adeega. Aragtidooda, madaxda jabhadaha soomaalidu, iyaga oo aan la kala soocin, waxay ugu tilmaaman yihiin: A) jaahilnimo, 3) siyaasad gurracan, C) Islaam-nacaybka, D) iyo kabo-qaabnimada gaalada.38 Waa urur aamminsan dadka raacsan oo qurihi inay yihiin kuwa keliya ee ‘holaca iyo calanka Islaamka’ kor u haya, qayrkoodna uu ku jiro ‘jaahiliyad’ ay waajib tahay in hubka qarxa lala doonto, sidaasna dhulalka islaamninada ‘sheegta’, asii aan ahayn dib loogu muslimiyo! Daacad ha laga ahaado ama yaan laga ahaane, danta ururka ee aan weligeed la faafin, asii la malayn karaa waa middaas, waana iyada fulinteeda waxa lagu raad-joogaa marka la is-hortaagayo tallaabo kasta oo siyaasadeed oo aysan iyagu qayb ka ahayn.

B) Itixaadka iyo hay’adaha samafalka: Lix ama toddoba hay’adood oo samafalka iyo taakulada dadweynaha u jooga ayaa gobolka ka shaqeeya. Hay’adahaas oo badankooda ay Jamciyadda Quruumuhu maalgeliso waxaa ka mid ah Trocaire (Ireland), Memisa (Netherlands), International Rescue Committee ‘IRC’ (USA) iyo Wakaalat ar-Raxmah oo Sacuudi ah, asii dalka Ayrlaan ka diiwaan-gashan. Waxay wax ka qabtaan hawlaha caafimaadka, biyaha, beeraha, daaweynta xoolaha, waxbarashada, korontada, taakulaynta iyo amaahsiinta ganacsatada yaryar ee, inta dagaalkii sokeeye baro-kiciyey, dhowaantaan degmooyinkoodii ku soo noqday. Waxtarka adeegga bulshada oo ay fuliyaan ka sokow, waxay, intii karaankood ah, ka qaybqaateen shaqo-u-abuurista dadka gobolka; taasoo suuraggelisay qoysas badan oo Gedo ku abtirsadaa inay ka soo noqdaan xeryaha qoxootiga ee Keenya, gobolkoodana ku soo noqdaan.

Hay’adahaas samafalku waxay shaqaaleeyaan aqoonyahannada takhasuska leh ee awel hore ka tirsanaan jirey wasaaradihii dawladdii soomaliyeed sida injineerrada… waxaad ku dartaa kalkaaliyeyaasha caafimaadka, koronto-yaqaannada, wadeyaasha, farsamo-yaqaannada baabuurta, ilaaliyeyaasha, iwm. Sidoo kale, waxay iyagana maalgeliyaan oo dhiirri—geliyaan ururro soomaaliyeed oo samafal ah, kooxo gobolka ka tirsanina ay abuureen; kuwaas oo fuliya kolba mashruucyada ay hay’adahaasi hirgelinayaan, sida ceelasha qodistooda iyo hawlaha dhismaha qaybaha isbitaallada iyo dugsiyada. Waxay hay’ad waliba xubnaha dadweynaha uga kiraysan aqallada ay deggan yihiin, kuwa xafiisyada u ah iyo baabuurta ay ku shaqaystaan ee ay hawlwadeennadu ku dhaqdhaqaaqaan.

Runtii, way jiraan arrimo dhawr ah oo hay’adahaasi ay dhaliillo ku mudan karaan, laguna eedayn karo, waxaana ugu weyn soomaalida oo aan waana laga taloggelin mashaariicda iyaga loogu danaynayo, wixii u dan ahna aan la weydiin. Ka dib markii mashruuc walba dibedda lagu soo derso, miisaaniyadda ku baxaysana si kama-dambays ah la isula soo oggolaado ayay hay’aduhu gobolka keenaan, iyada oo uu heer-fulineed marayo. In kastoo ay arrintu sidaas tahay, haddana madaxda degmooyinka iyo dadweynaha midna ma dhibsado, marba haddii aanay jirin dawlad dhexe oo wax u kala qorshaysa, mashruuc kastaa uu waxtar u leeyahay, waxa hay’aduhu bixiyaanna ay yihiin deeq lagu taakulaynaayo dad aan meel kale wax ka sagayn! Waxaad mooddaa in heshiis lagu wada yahay goldaloolooyinka hay’adaha samafalka in la iska indho-tiro, lagulana dhaqmo sida ay tiraahdo maahmaahda Talyaanigu: Faraska hadiyadda ah ilkaha lagama eego! Waxaad kaloo mooddaa in iyadana heshiis lagu wada yahay, dhaliil kasta ha lahaadeene, hay’adahaasi, adeeg bulsho iyo dhaqaala ahaanba, in ay iyagu dadweynaha ugu jiraan ‘kaalintii dawladda’, haddii ay gobolka ka duudduubtaanna uu, si ba’an, heerka nolosha dadweynuhu aad hoos ugu dhacayo.

Markii, haddaba, la eego xiriirka uu Itixaadku hay’adahaas la leeyahay waxaa la oran karaa waa mid ka yar roon midka wada colaadda ah ee ay Unosom la leeyihiin. Waxaana jira sababo giddigood dhaqaale cuskan oo Itixaadka ku qasbaya inay yareeyaan faroggelinta hay’adaha samafalka ee shisheeyaha, gaar ahaan kuwa ka hawlgala goobaha ay iyagu joogaan ee kala ah Luuq iyo Beledxaawo. Hay’adahaas oo inta laga caraysiiyo degmooyinkaas ka guuraa waxay sababi kartaa qoysas badani in ay nolol-maalmeedkooda waayaan, dabadeedna, iyagoo midaysan, ay weeraraan cidda loogu dawgalay oo Itixaadka ah. Taasi waa mid. Midda kale, labadaas degmo dadka hay’adahaas u shaqeeya 80% waa qaar Itixaadka rasmi ahaan uga tirsan oo badanaa loo dhiibo hawlaha ilaalinta xafiisyada iyo guryaha hawlwadeennada shisheeyaha ah. Sida la iigu warramay, qof Itixaadka ka mid ahi, gaar ahaan ilaaliyeyaasha dhismeyaasha iyo wadeyaasha baabuurta, hadduu meelahaas qaarkood shaqo ka helo, wuxuu ku galaa isagoo og inay ‘meerto’ tahay oo muddo dhawr bilood ah ka dib uu u bannayn doono xubin kale oo ururka ka tirsan. Waa xeer uu hoggaanka Itixaadku u dejiyey dhallinyarada isaga taabacsan, loogana jeedo in badan oo ka mid ah in il dhaqaale loo sameeyo, si aanay meel kale ugu hanqal-taagin! Waxaa isna xeer kale ah tiro dadka Itixaadka ah, hay’adahaasna u shaqeeyaa inay qayb ka mid ah mushaarkooda bil walba ugu deeqaan maamulka sare ee ururka oo isagu u madaxbannaan sida uu u gelaayo iyo waxyaabaha lagu bixinaayo.

Hay’adaha oo la socda arrimahaas aan soo sheegnay, waxay ku guuleysteen inay, ilaa xad, si madaxbannaani leh hawlahooda ku fuliyaan, Itixaadkana kolba ugu hanjabaan, haddii faroggelin lagu sameeyo, inay degmooyinkaas ka guuri doonaan. Taas macnaheeduse ma aha inaan kolkol loo cago-jugleyn ama dhaqdhaqaaqa shaqaalahooda la xayirin, iyadoo la dareensiinayo inay ku hoos-jiraan awoodda ciidanka Itixaadka. Ka sokow waraaqaha dhaqdhaqaaqa ee shaqaalaha shisheeyaha ah lagu qasbo inay goostaan, maalin walbana cusboonaysiiyaan, waxaa, haddana, marmar lagu qasbaa inay qaataan qaar ka mid ah dhaqanka muslimiinta. Haweeneyda ugu sarraysa hay’adda Trocaire ee Beledxaawo ka hawlgasha ayaa intii aan joogey, ay ciidanka Itixaadku weydiisteen inay beddasho habka lebbiskeeda oo ay sida dumarka muslinka ah u daboosho madaxeeda, garbeheeda iyo lugaheeda. Waxaan arkay iyada oo sidaas yeeshay oo, malaha, intay dharkii badnaa ku gubatay isbabbinaysa, markaas baan keligey isweydiiyey; “Tolow, maxaa dhici lahaa haddii dumarka muslinka ah ee dalalka ‘gaalada’ ku nool lagu qasbi lahaa inay sida dumarkooda u lebbistaan?”

Dhacdooyinkaas oo kale oo lagu darey guud ahaan shakiga labada dhinac ku kala dhex-jira ayaa sababay inay yaraadaan tirada hay’adaha samafalka ee Beledxaawo ka hawlgeli lahaa. Tusaale ahaan, halka ay saddex hay’adood oo Reer-galbeed ahi ay degmada Garbahaarrey ka shaqeeyaan, xarunna iyadu u tahay, waxaa Beledxaawo ka hawlgala mid qura oo iyada qudheeduna uu fadhigeedu, xafiis ahaan, Mandheera yahay.
Taas baad mooddaa inay, dhaqaale ahaan, Beledxaawo la daaddegtey, halka ay qof walba u muuqato Baardheere iyo Garbahaarrey inay dawladdii soomaaliyeed ee jiri jirtay ka raysteen! Muddadii u dhexeysay bilihii Juun iyo Sibtembar ee sannadkan, intii aan gobolka joogey, waxaa Beledxaawo maalin walba ka geeddiyi jiray qoysas ku dhex—nafooday oo gaajo—ka—carar ah. Waxay u guuri jireen Garbahaarrey iyo Baardheere oo hay’adaha samafalka ka abuureen nolol-dhaqaale, fursad shaqana laga rajayn karey. Nasiibdarro, waxay Beledxaawo muddadaas aan soo sheegnay ku tilmaannayd inay ahayd meesha qura oo soomaaliya ka mid ah oo ay dadku gaajo u dhintaan! Mana aan dareemin welwel ay arrintaasi ciidanka meesha fadhiya ku haysey!

C) Ugaaska iyo Itixaadka: Cilmi-bulshadeedka soomaalida ragga bartaa sida ay ka warqabaan, Ugaaska, Boqorka, Garaadka iyo dhammaan Isimmada la midka ahi waxay, ugu yaraan, toddobadii qarni ee ina dhaaftay ahaayeen kuwa ugu sarreeya, una guddoomiya tolka soomaaliyeed. Wuxuu mid waliba ka ahaa meeshiisa nin guddoonkiisa iyo qof ahaantiisaba la maamuuso oo eray qalloocan iyo fal sirgaxan labadaba lagala maago. Astaanta gobannimo ee uu ahaa ka sokow, isin waliba wuxuu tolkiis u joogey Madaxweynuhu qarammada casriga ah halka uu maanta u joogo. Isaga iyo guurtida dhinacyadiisa fadhiday ayaa xil ka saarnaa danaha tolka iyo xiriirka uu kuwa kale la yeelanaayo, wixii ay gooyaanna guddoon buu ahaa aan laga daba—hadli jirin. Gumeysigii Reer-Yurub kolkii uu qarnigii 19d dhulalka soomaalida qaybsaday, wuxuu u yimid bulsho madaxdeeda sare leh 00 kala dambaysa, rag tirsanina ay wax u guddoomiyaan. Maamulayaashii Talyaaniga iyo Ingiriisku in yar bay isku deyi jireen inay arrintaas wax ka beddalaan, mar walboo ay isku dayaan meekhaanka isimmada inay hoos u dhigaanna waxay kala kulmi jireen gedood dadwayne iyo guuldarro siyaasadeed. Sidaas darteed ayay u badnayd madaxdii caddaanku inay isimmadii soomaalida si aad u weyn u qaddariyaan, ugana dambeeyaan arrimaha ku saabsan tolka uu mid waliba u taliyo iyo degaanka uu ku dhaqan yahay. Waxay maamulayaashaasu dhab u ogaadaen inaan soomaalida la xukumi karin, haddii aan madaxdooda, hidde ahaaneed, la tixgelin.

Waxaa la soo gaarey 1960kii, markii ugu horreysey ee tolalka soomaalidu, iyagoo wadajira, ay dawlad noqdeen. Waxay gumeysteyaashii ka dhaxleen hannaan-dawladeed oo qaab-dhismeedkiisa laga soo guuriyey dhaqan-siyaasadeedka Reer-galbeedka (West’s Political Culture), lehna saddexda laamood oo kala ah: sharci—dejinta, fulinta iyo garsoorka. Ma ahayn hannaan wax u oggolaa amaba ay meeli uga bannaanayd isimmada iyo dhammaan madaxdii hiddeha ee qabaa’ilka u kala talin jirey. Taas baa sabab u ahayd inay haddiiba iska horyimaadaan isimmadii tolalka oo jiritaanka xafiisyadooda daafacaya iyo dawladdii dhalatay oo, sida dawladaha kale, u doonaysey in ay iyadu noqoto awoodda keliya ee dalka ka jiri karta, waxna ka fulisa. Waqti yar ka dib, hoggaamiyeyaasha qarankii cusbaa ee lixdanaadkii waxay bilaabeen inay kaalinta isimmada aqoonsadaan, markii sida gumeysigii hore ay iyaguna hubsadeen inay maamulka dalka wax weyn ka tari karaan, awooddii dawladda oo aan la gelin gorgortan aad wax ugu dhiba ayaa isimmadiina laga qaybgeliyey qaar ka mid ah guddoommada saameeya tolka iyo degaanka uu mid waliba u boqran yahay. Ha yeeshee, taasi wax in badan lagu dhaqmay ma noqon.

Sannadkii 1970kii, wax yar ka dib markii ay la wareegtay, ayay xukuumaddii ciidanku dhisay ee M. S. Barre waxay soo saartay mid ka mid ah kuwii ugu dhiirranaa xeerarkii ay waayadaas soo saari jirtey; kaas oo lagu baabbi’iyey kaalintii bulsho ama siyaasadeed ee ay lahayd dhammaan madaxdii hiddaha ee boqollaalka sano soomaalida u soo talinaysey. Waxaa dembi la isku ciqaabo laga dhigay in la sheegto iyo, xataa, in carrabka la soo mariyo magacyada: Garaad, Ugaas,Boqor, beeldaaje, malaaq iyo kuwa la midka ah, raggii ahaana, waxaa kii loogu roonaa lagu magacaabay wax loo bixiyey ‘Nabaddoon’! Ujeeddada xeerkaas laga lahaa kolkaannu doonno in aan ogaanno waxaa naloo sheegi jirey inay ‘bedownimo’ tahay, awoodda xukuumadda mooyee, inay dalka gudihiisa awood kale ka jirto. Marar kale waxa nala bari jirey inay ahayd tallaabo qayb ka ah ‘ol’olaha ciribtiridda qabyaaladda’, runtiise, sidaannu dib ka ogaannay, waxay ahayd
tallaabo ay madaxda xukuumaddu ku doonaysey talada dalku inay gacanteeda ku soo wada ururto, cid kalena, aan haba yaraatee, wax awood ah loo oggolaan. Hase ahaatee, sida uu badanaa ku dambeeyo qorshe kasta oo ka soo horjeeda dhaqammada ummaduhu, wuxuu kaasina ku dambeeyey inuu noqday xeer aan hirgelin oo aan maskaxda dadweynaha inna wax saamayn ah ku yeelan. Iyada oo aan xukuumad kale beddalin ayaa 20 sano ka dib waxaa dhacday xukuumaddii xeerkaas soo saartay, dabadeedna cidda keliya ee madaxnimo loo aqoonsan yahay waxay noqdeen isimmada qabaa’ilka oo aad mooddo si buuxda inay dadweynuhu ugu soo celiyeen awooddoodii hore ee in laga xayuubiyo la isku deyey. Waxay noqdeen meesha qura ee ay hoggaamiyeyaasha jabhadaha iyo ergooyinka shisheeyuhuba ka doontaan ’sharciyadda’ iyo taageerada ay ugu baahan yihiin hawlgalka siyaasadeed ee loogu jiro dib-u-heshiisiinta qabaa’ilka soomaalida iyo dib-u-dhiska hannaankii dawladeed ee ay iska burburiyeen.

***

Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo ah Ugaaska dadyowga Reer-Gedocdka ahi wuxuu shinsadaa Boqortooyo soo taxnayd tan iyo qarnigii 15d, wuxuuna inta la hubo ku abtirsadaa 18 awoowe oo la wada caleemo-saaray. Waa nin dhallinyaro ah (53 sano) oo ay bulshadiisu aad ugu qaddariso sida uu danaheeda u dhawro, daacadda ugu yahay ee uu, haddana, u-kala-eexashadeeda isaga ilaaliyo. Dadka aad u yaqaani siday ii sheegeen, waa nin jecel odayaasha jilibbada iyo caaqillada inuu awoodda xafiiskiisa la qaybsado oo isaga maqnaanshihiisa aan waxba u xayirnaan. Markii ugu horreysey taariikhda Guriga Boqortooyada ee uu ka soo jeedo ayaa Ugaas Cumar waxa uu oggolaaday inuu magacaabo wakoollo magaciisa ku hadla, magaciisa wax ku guddoomiya, magaciisana qabaa’ilka kale ee deriska ah heshiisyo kula geli kara.

Siday u soo mareen madaxda soomaalida kaleba, sanooyinkii afarta ahaa ee ina dhaafay waxay ahaayeen kuwo Ugaas Cumar soo mara kuwii ugu dhibta badnaa. Waxaa soo foodsaaray dhibaatooyin siyaasadeed, kuwa difaac iyo kuwo bulsho oo, burburkii dawladnimada ka dib, si aad u ba’an u saameeyey degaanka uu u guddoomiyo. In kastoo qaybaha kale ee dalka ay dhibaatada dawlad la’aanta la qabeen, haddana Ugaaska iyo dadweynaha gobolkaba waxaa gaar u ahayd arrin indhihii ummadda iyo kuwii dunida ku soo wada jeedisay. Bishii Febraayo, ‘91kii ayaa waxaa u soo galay Madaxweynihii xukunka Soomaaliya laga riday M. S. Barre oo markii hore u sheegtay inuu ‘tolkiis’ magangelyo ahaan ugu yimid, markii dambese isku deyey inuu taladii dalka xoog ku soo ceshado. Gar ha ahaato ama yay ahaane, arrintaasi waxay sababtay in shirkii labaad ee Jabuuti (Luulyo ’91kii) ee ay ururrada soomaalidu isugu yimaadeen laga soo saaro qodobbo ay ka mid ahaayeen in la abaabulo ciidan jabhadaha oo dhan ka kooban oo dagaal ku qaada M. S. Barre iyo ‘taageereyaashiisa’, si isaga loo soo qabto amaba loogu qasbo inuu dalka dibedda uga baxo. Hirgelidda qodobkaas si uu ku baajiyo, wuxuu Ugaas Cumar guddoomiyey M. S. Barre inuu yahay ‘xubin tolka’ ka mid ah oo sugidda nabadgelyadiisu ay dadweynaha gobolka saaran tahay, ilaa uu Soomaaliya ka dhismo talis sharci ah oo qabaa’ilku ku wada jiraan, garsoor madaxbannaanna horgeyn kara. In kastoo ay dooddaasu meelmar u ekaan kartey, in badanina ay u guuxday, haddana waxaa jirey kooxo kale oo Ugaaska iyo odayaashaba ku dirqiyi jiray inuu DUQA weydiisto gobolka inuu ka baxo oo magangelyo siyaasadeed dawladaha kale ee dunida middood ka codsado. Taas inuu marna yeelay iyo in kale lama oga, wuxuuse ku qasbanaa inuu iskummar laba arrimood fuliyo: Abaabulka hawlaha difaaca gobolka iyo isu-soo-dhoweynta kooxaha joogitaanka ODAYGA ku muransanaa. Shirarkii beryahaas la qaban jirey ee uu ka hadli jirey wuxuu Ugaasku ku celcelin jirey inuu ‘tolka oo idil’ Ugaas u yahay, guddoonka ugu dambeeyaana uu kiisa yahay, isagoo, malaha, dconaayey inuu si dadban u yiraahdo: Gedo aniga ayaa Ugaas ka ah ee M. S. Barre kama aha.

Haddaba, in kastoo hawlo keligiis lagu hallaynaayey aanay marnaba jirin, misana wuxuu Ugaas Cumar, afartii sano ee ina dhaaftay, dadkiisa ka kasbaday aqoonsi hor leh iyo maamuus badan. Shaqooyinkiisii, hidde ahaan, ku koobnaan jirey kala-saaridda xubnaha tolka, ducada, guddoominta arrimaha waaweyn ee tolka saamaynta ku yeelan kara, sida colaadda iyo nabadda; waxaa shaqooyinkiisaas beryahan dambe ku soo kordhay kuwo siyaasadeed. Unosom iyo madaxda shisheeyaha ah ee kolba gobolka booqashada ku timaaddaa waxay codsadaan la-kulankiisa, waxayna kala hadlaan guud ahaan mustaqbalka dalka, gaar ahaanna arrimaha gobolka. SNFta lafteedu waxay ku dhisan tahay sharciyad ku aslaysan guddoon uu isagu riday sanooyinkii ‘91kii iyo ‘93kii, waxayna madaxdeedu ku shaqeysaa is-afgarasho guud iyo wadatashi, markii muddo la joogaba, ay la yeeshaan. Iyada oo dhaqanka soomaaalida la tixgelinaayo waxa aan marna la illoobin shir kasta oo si guud arrimaha dadka gobolka saameeyn ugu leh in Ugaaska loogu yeero, isla markaasna uu go’aammada isagu guddoomiyo. Soomaalida ka sokow, waxaa iyaguna haatan dhaqankaas ilaaliya madaxda Unosom ee gobolka ka shaqaysa. In kastoo uu ka cudurdaartay, waxay ahayd bilawgii bishii Sibtembar ee sannadkan, markii ay Ugaaska si rasmi ah ugu martiqaadeen inuu Baardheere yimaado, si uu ula kulmo madaxweynaha dalka Botswana oo magaaladaas ku soo booqanaayay tiro ka mid ah ciidanka dalkiisa oo qayb ka ah ciidammada J. Quruumaha. Arrimo u gaar ah dartood, wuxuu Ugaasku wakiishay Guddoomiye-ku-xigeenka SNFta oo halkaa isagu ka matalay.

Siyaalahaas aan soo tilmaannay ayay, sokeeye iyo shisheeyaba, Ugaaska u maamuusaan, iyada oo maanka lagu hayo dhaqan fac weyn oo ay soomaalidu, inteeda badan, ka siman tahay. Waxaase nasiibdarro ah inaan ururka Itixaadka Gedo dhaqankaasi la wanaagsanayn, in la xuauusiyana aanay jeclayn. Wuxuu Ugaasku ugu jiraa ‘astaamaha awoodeed’ ee ay ku dedaalayaan siday goobta siyaasadeed ee gobolka uga saari lahaayeen. Ol’olaha magacdilka SNFta mid ka daran ayay ku hayaan Ugaaska iyo kaalintiisa bulsho, taasoo ujeeddadeedu tahay dhallinyarada ururka ka tirsan sidii maskaxdooda looga saari lahaa wax alla wixii dhaqan hore ah oo madaxnimo siyaasadeed iyo mid diineed labadaba ku lug leh. In kastoo madaxda sare ee ururku jeclayn in iyaga laga maqlo, haddana hadaaqa dhallinyarada taabacsan ayaa laga ogaan karaa siyaasadda ay Ugaaska iyo isimmada la midka ah ay ka qabaan. Mid ka tirsan macallimiinta da’da yar oo wax ka dhiga dugsi ku yaal Beledxaawo oo ay iyagu maamulaan ayaa yiri, “Ugaaska ma aqoonsani, waxbana iiguma fadhiyo, marba haddii uusan kitaabka Ilaah wax ku xukumin.” Waxaan u sheegay inaan Ugaasku ‘garsoore’ ahayn, hawlihiisana aan qaadiinnimo ku jirin. Wuxuu markaas yiri, “Waa inuu ku dhawaaqaa in gobolka Gedo kitaabka Ilaah wax lagaga xukumo.” Waxaan haddana u sheegay inuu yahay nin, qof ahaan, sidaas aamminsan, asii aan awood u lahayn, intuu subax soo tooso, inuu arrintaas guddoomiyo, iyada oo aan marka hore waayeelka iyo waxgaradka degaanka laga dhammayn… Wuxuu yiri, “Haddii ay sidaa tahay, Itixaadka ha ku soo biro oo annaga ha nala shaqeeyo… Markaas baannu aqoonsanaynaa.”

Kulankii ugu horreeyey oo dhex-maray Ugaaska iyo Itixaadku wuxuu ku beegnaa bartamihii ‘92kii, markii ay dadka degaanku isu diyaarinayeen inay ciidankii USCda magaalada Baardheere ka saaraan. Itixaadka oo berigaas iyo haddeerba dadweynaha maqashiiya oo ku beerdulucsada inay yihiin ‘wiilashoodii’ ayaa waxaa la xiriiray Ugaas Cumar iyo odayaal kale 00 ka codsaday, hub iyo ciidanba, inay hawsha Baardheere gacan ka geystaan. Madaxda sare ee ururku jawaabtii ay Ugaaska siiyeeni waxay noqotay, codsigaaga oo aannu yeelnaa wuxuu ku xiran yahay inaad saxiixdo in kitaabka Eebbe Gedo lagu xukumi doono!” Dhacdadaasi waxay Ugaaska ku ahayd, isna uu u qaatay quursi iyo aflagaaddo, waxayna uga dhignayd sidii iyadoo, haddeer iyo da’daan, loogu yeeraayo in la muslimiyo 00 ashahaadada loo qabto! Waxay kaloo waxgaradka gobolka qaarkood u iftiimisay ujeeddooyinka Itixaadka middood oo ah dhammaan madaxda bulshada dhexdeeda magaca ku lihi – Ugaaskana alla ha ka dhigee – inay iyaga soo hoos-galaan. Haddii aysan maanta noqon, berri!

Muddo hal sano iyo dheeraad ah, Ugaas Cumar kolna ma booqan degmooyinka Beledxaawo iyo Luuq,taasina ma aha wax caadi kolka dhaqdhaqaaqiisii hore loo eego. In kastoo aanu isagu jeclayn inuu ka hadlo, haddana taasi sababteeda ayay leedahay. Xog-ogaalka qaarkiis siday ii sheegeen, waxaan Ugaaska weli laga xaal—marin sidii Beledxaawo loogu xumeeyey markii ugu dambaysey ee uu halkaas tagay. Xushmo-darradaas uu Ugaasku berigaas mutay waxaa – sida la leeyahay – sabab u ahaa Itixaadka rag ka mid ah oo ka shaqaynaayey isaga iyo dadka degmada qaarkood inay isqaniinsiiyaan. Wayna ku guuleysteen! Kol dhow ka hor, Ugaas Cumar marna si toos ah ifafaalaha Itixaadka ugama hadlin. Bilawgii bishii Agoosto ee sannadkan ayay ahayd markii ugu horreysey ee uu sida kulul ururkaas ugu eedeeyey inay yihiin duul ‘xukun u oomman’. Tallaabadaas uu Ugaasku ku dhaqaaqay waxay ka dambaysay dareen dadweynaha gobolka ku baahay oo ku saabsanaa sida firfircoon ee 2dii sano ee ina dhaaftay ay Itixaadku ugu dedaalayeen inay degmooyin dheeraad ah qabsadaan. Meelaha ay maanka ku hayaan waxay kolba u diraan kooxo dhallinyaro ah oo isku daya inay caqiidada wahaabiyada faafiyaan, maamulka masaajiddadana ay la wareegaan. In kastoo ay dhallinyaradaasi dhawr jeer dedaalkoodaas ku guuldarraysteen oo guddiyada rasmiga ah iyo dadweynuhuba ay si xoog leh uga hor-yimaadeen, haddana weli kama quusan inay si degdeg ah Garbahaarrey, Baardheere iyo Buurdhuubo ula wareegaan. Bishii Abriil ee sannadkan ayaa koox dhallinyaro ah oo ururka ka tirsani Garbahaarrey u tagtay inay ka dhisaan, kana furaan dugsi ay iyagu leeyihiin, laguna faafiyo aragtida ay diinta iyo siyaasadduba ka aamminsan yihiin. Iska-hor-imaad iyo dagaallo gacanta ah ayay arrintaasi dhashay, waxayse intii 4 bilood hakisay qorshihii ‘dhulfidsiga’ ee uu ururku kolba ku milicsado bariga iyo koonfurta gobolka.

Sida la xusuusan yahay, maalmo ka hor intii aan Ugaasku arrinta ururka fagaaraha ku soo qaadin, waa tii ciidammada USCdu ay qabsadeen magaalada Beledweyne, hub faro badanna waa tay xoog kaga qaateen ciidan halkaas degganaa oo dalka ‘Zimbabwe’ ka tirsan, ciidammada Jamciyadda Quruumaha ee Soomaaliya joogana qayb ka ah. Muddo gaaban dabadeed, gobolka oo idil waxaa ku dhex-faaftay, Beledweyne ka dib, qorshaha dagaal ee USCdu inuu Gedo yahay,. Waxaa iyadana la maleeyay wararkaasi inay Luuq iyo Beledxaawoka imaanayaan, dad ururka ka tirsanina ay si kutaloggal ah u buunbuuniyeen. Waxaa la ogaaday inay ahayd sheeko ay u abuuraan inay ku hirgeliyaan mashruucooda isballaarinta, iyagoo bulshada ay hortii dhiillada geliyeen ugu yaboohaya in ciidankooda loo oggolaado inuu Garbahaarrey iyo Buurdhuubo dego, sidaasna uu meelahaas ku daafaco. Laba jeer oo isu dhow ayay sila bishaas Agoosto gudaheeda ergooyin u kala direen labadaa magaalo, iyagoo sheeganaya ururkoodu inuu ‘tolka’ u dhisan yahay, xilna ka saaran yahay inay ‘cadawga’ ka daafacaan, marba haddii hubka ugu badani uu iyaga gacantooda ku jiro. Waxay noqotay dood aan laga hoos-qaadin oo si cad loogu diiday, iyada oo la wada dareensanaa dantoodu inay ahayd oo keliya ‘dhulfidsi’ iyo sidii ay mar uun, ciidan ahaan, ugu taabi lahaayeen degmooyinka aan gacantooda ku jirin, gaar ahaan xarunta Garbahaarrey.

Ugaas Cumar oo dareensan qorshahaas isballaarinta ee ururka ayaa lagu martiqaaday inuu ka hadlo shir Garbahaarrey lagu qabtay. Wuxuu halkaas ku canbaareeyey dedaalkii cusbaa ee ay Itixaadku ugu jireen dhulfidsiga, wuxuuna ku tilmaamay ‘urur xukun-maroorsi u jeeda’. Wuxuu yiri, “Itixaadku waa inay culimmada gobolka ka mid noqdaan, joojiyaanna diinta ay qoriga ku hor-wadaan.” Isagoo aad mooddo xubno ururka ka tirsan oo goobtaas fadhiyey inuu farriin u tebinaayo ayuu hadalkiisii ku soo gebaggabeeyey, “dadka waxaa u talinaaya ciddii ay rabaan ee xoog laguma haysan karo…” Maalintii taas xigtey (8/8/91) ayuu Ugaasku soo saaray warqad 3 bog ka kooban oo Itixaadka u socota, wax badanna aan ka duluc fogeyn tii odayaasha Beledxaawo ay markaas ka hor u direen. Warqaddaas oo Guddiga iyo odayaasha Beledxaawaba taageero u ahayd, wuxuu Ugaasku ururka ku eedeeyay:

– inay iyagu mas’uul ka yihiin gobolka oo si buuxda u fulin waayey qodobbadii heshiiskii Addis Ababa, gaar ahaan qaybihiisii ku saabsanaa dhismaha guddiyada maamulka degmooyinka, kuwa gobollada iyo, marka ugu dambaysa, golaha sharci-dejinta ee qaranka;

– inay mas’uul ka yihiin heer-nololeedka sida weyn u hooseeys ee Beledxaawo, ka dib markii ay kaalmadii shisheeye iyo hay’adihii samafalka ka hor-joogsadeen.

Wuxuu ugu dambaystii, isagoo ka digaya dagaalkii Boosaaso oo kale inuu Gedo ka qarxo, dhambaalkaas gudihiisa ku guddoomiyay labada qodob oo kala ah:

  1. Ururka Al-itixaad inuu maamulka degmada Luuq ku wareejiyo guddi odayaal ah oo ka kooban duqowda beelaha degaanka, si ay u qabanqaabiyaan dhismaha Guddiga Degmada oo aan la’aantiis midka gobolku dhismi karin;
  2. Ururka Al-itixaad inuu joojiyo nuxur-tiridda Guddiga Degmada Beledxaawo ee ay Unosom II aqoonsan tahay, kuna wareejiyo talada degmada iyo maamulka saldhigga booliska. Waa in la joojiyo dhismaha guddiyada kale ee guddiga rasmiga ah ee degmada laga garab-dhisaayo…

Warqaddaas Ugaaska oo nuqul ka mid ah loo diray xafiiska Unosom II ee Baardheere, waxay abuurtay wax lagu sheegi karo ‘dhulgariir siyaasadeed’ oo lagu wada baraarugey. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee uu Ugaasku si aan mugdi ku jirin u qeexo fikradda uu Itixaadka ka qabo, waxyaabaha uu ku diiddan yahay iyo sida uu rabo inay hadda ka dib u dhaqmaan. Qaar ka mid ah oo aan kulannay sidii aan ka dareemay, waxay madaxda ururku warqaddaas u qaateen ‘guuldarro siyaasadeed’ oo meel halis ah ka haleeshay iyo ‘gool’ dadka iyaga diiddani ay si qurux badan uga dhaliyeen! Waxay kordhisay colaaddii ay Itixaadku, awel horeba, u qabeen Ugaaska, SNFta iyo dadweynaha aan iyaga ka tirsanayn, isla markaasna waxay yaraysey, in badanna dib u dhigtay rajadii ay ka qabi kareen meelo cusub oo gobolka ka mid ah inay u qabsadaan sidii fududayd ee ay Luuq iyo Beledxaawo hadda ka hor u qabsadaan!

Wax ugu wacnaaba, Itixaadku, haba yaraatee, wax jawaab ah kama bixin warqaddii Ugaaska iyo tii ka horreysey ee Golaha Nabaddoonnada Beledxaawo ay isla iyaga u qoreen. Sababtaas, malaha, keligood baa garan kara!

GEBAGGEBO

Al-itixaad Al-islaami waa urur – sida magaciisa laga garan karo – ku doodaya inuu yahay mid u halgamaya sidii ay Soomaaliya uga dhalan lahayd dawlad shareecada Islaamka ummadda ku xukunta. Habka ay hadafkaas ku xaqiijinayaani ma aha qancis iyo inay madaxda kala duwan ee bulshada arrinta ka dhaadhiciyaan. Qorshahooda kuma jirto inay tab ka dhigtaan fikradda fikradda ay culimmada Islaamku, badanaa isku raacsan yihiin oo ah: inta aan dawlad Islaamka wax ku maamusha la dhisin in loo baahan yahay in bulsho muslin ah la dhiso.

Sida kuwa kale ee ka jira Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, ururka Itixaadkuna wuxuu rumaysan yahay shan farood iyo calaacal in talada loogala wareego ‘cilmaaniyiinta’ soomaalida ah ee laga yaabo inay mustaqbalka dalka dawlad ka dhisaan. Taasi siday ugu hirgasho, waxay lama-huraan u arkaan inay yeeshaan hubka ugu faraha badan iyo ciidanka ugu daacadsan ee ay filayaan, goor ay noqotaba, inay ku jabin doonaan ciidanka ‘cilmaaniyiinta’.

Ururka oo dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba laamo iyo ungyo ku leh, waxaa, malaha, ugu dhiirran la’aantiisa aagga 5d ee Itoobiya iyo laantiisa Gedo joogta. Midda hore, waxay kal hore dagaal ku qaadday xukuumadda Itoobiya oo Tigreegu hoggaamiyo, taariikhda dalkaas markii ugu horreyseyna oggolaatay fikradda madaxbannaanida qawmiyadaha, shardise uga dhigtay in hababka dustuuriga ah loo maro. Laanta kale oo ah Itixaadka Gedo, waxay ciidankeeda hubaysani xoog ku haystaan laba degmo oo gobolkaas ka mid ah, degmooyinka kalena go’doon ka ah. Waxaa maanta xarun u ah magaalada Luuq oo dhowaantan Itixaadka aagga shanaad u noqotay gabbaad ay ku soo cararaan kolkii lagaga gacan-sarreeyey goobo ka mid ah kuwii ay askarta dawladda isaga horyimaadeen. Dad yar baa ka warqaba inay berigaas Itoobiya ku fekartay inay Luuq weerar ku qaaddo, iyada oo u qaadatay inay magaaladaasi noqon karto saldhig lagaga soo duulo!

Guud ahaan, qorshaha siyaasadeed ee Itixaadku wuxuu waqtigan ku salayasan yahay inay is-hortaagaan dedaal kasta oo lagu gaari karo in lagu dhiso xukuumad soomaaliyeed, taasoo, sida ay tuhunsan yihiin, noqon karta awoodda qura ee socodkooda hakin karta. Haddiibase ay dhacdo inay xukuumadi dhalato, waxay ku dedaalayaan inay dhalato iyaga oo xoog leh, una beerdhigi kara ciidanka laga yaabo inay xukuumaddaasi ku soo duuliso.
Qaybta Gedo ee ururka oo ah qaybta keliya ee dhul haysataa waxay ku degdegaysaa inay qabsato gobolka oo dhan, ka hor inta aanay imaan xukuumadda ay soomaalidu wada sugeyso. In kastoo aad weydiiso, haddana madaxda ururku kuu sheegi maayaan amaba kuuma sheegi karaan waxa, haddii ay xukuumadi dhalato, ay ka yeelayaan hubka ay haystaan. Ma dhiibi doonaan, mise waa haysan doonaan, haddii ay haystaanna sow ma noqon doonaan dawlad dawlad kale ka dhex-dhisan? Halka ay soomaalidu dhibaatadu uga soo socotaa waa halkaas!

Waxaa loo baahan yahay siyaasiyiinta soomaalidu inay haddeer ku dhaqaaqaan dedaal ay dalka kaga baajinayaan timaaddo xanuun badan oo u eg midda ay ku nool yihiin bulshooyinka Masar iyo Aljeeriya. Madaxda Itixaadka waa in loo sheega, si loogu oggolaado kaqaybgalka tartanka awoodda siyaasadeed ee mustaqbalka, inay hubka dhigaan, kuna wareejiyaan maamullada ka jira degmooyinka ay kala joogaan.
Haddii aanu ururkaasi sidaas yeelin, wuxuu ku qasbanaan doonaa inuu ka horyimaado oo dagaal aan dhammaad lahayni dhex-maro xukuumad, kolley, dhalan doonta oo mid dhexe ama mid gobol ah, rabtana inay awooddeeda dalka wada gaarsiiso, iyada keliyihina hub haysato. Dagaalka dheer oo muslimiinta soomaalidu u kala safato, Itixaadku diyaar ma u yahay? Waxaan rajeynayaa jawaabtu inay ‘mayo’ tahay.

Axmed F. Cali “Idaajaa”
Nov. 1994
ROMA, ITALIA

Sharax dheeraad ah

1. SNF (Somali National Front): Urur ama jabhad ka mid ah kuwa soomaaliyeed ee ay qabiilka Marreexaanku isugu tageen dhammaadkii ’91kii, burburkii dawladda soomaaliyeed ka dib. Waxay jabhaddaas iyo taageereyaasheedu ka taliyeen degmooyinka Cabudwaaq iyo Balanballe oo Gobolka Galguduud ka tirsan iyo afar degmo oo ka mid ah lixda uu Gobolka Gedo ka kooban yahay.

2. USC (United Somali Congress): Mid ka mid ah, uguna dambaysey jabhadihii hubaysnaa ee ay qabaa’ilka soomaalida qaarkood u samaysteen manjoxaabinta iyo rididda xukuumaddii M. S. Barre. In kastoo ay durbadiiba laba u kala jabtay, haddana waxay bilawgii ahayd jabhad ay qabiilka ‘hawiye’ isugu tageen. Sannadkii 1989kii ayaa Rooma lagu asaasay.

3. Fikriga Wahaabigu wuxuu kolkii ugu horreeyey dalka Soomaaliya soo galay afartameeyihii qarnigan, ha yeeshee si xoog leh ayaa looga horyimid, gaar ahaan Gaalkacyo iyo meelo kale oo gobollada dhexe ka mid ah. Wuxuu yeeshay sumcad xun, dadkii yaraana ee raacayna waxaa loo bixiyey “BIDCO”. Sidaas daraaddeed, madaxda Itixaadku, in kastoo ay fikrigaa dalka ku faafinayaan, haddana uma fududa inay qirtaan, waxayna jecel yihiin in loogu yeero ‘dhaqdhaqaaq salafi ah’ (xrkat salafiya)

4. Dacwada Wahaabiyada oo Gobolka Najd ka bilaabatay waxay sababtey isbahaysi ilaa maantaba jira oo ka dhexeeya warasadii Sheekh Maxamed Cabdulwahaab iyo qoyska Reer-Sacuud oo ku magacaaban dhulka ballaaran ee hadda loo yaqaan Boqortooyada Sacuudiga.

5. Akhri kitaabka ‘Ad-durar As-saniyah Fir-raddi Calal-wahaabiyah’ oo uu qoray Axmed bin Zeyni Daxlaan, bogagga 48-49, daabacaadda Shanaad, laguna faafiyay Qaahira, 1985kii. Magaca kitaabka oo ah carabigii uu ku soo baxay waa: “”

6. Bisha 3d ee sannadka Islaamka; Rabiic Al-Awal.

7. Arag aayadda 11d, suuradda 42d ee Qur’anka kariimka ah, laqbaheeduna ka doono kitaabka la yiraahdo: Tafsiir Al-jalaaleyn, bogga 312d, kana soo baxay Daar Ibn Kathiir, daabacaadda 6d, Beyruut, Lubnaan.

8. Tusaale ahaan, arag: Aayadda 88d, suuradda 28d, B) aayadda 64d ee suuradda 5d, C) aayadda 27d ee suuradda 55d, D) aayadda 10d, suuradda 48.

9. Arag bogga 45d ee kitaabka: Ad-durar… (eeg kor iyo tirsiga 5d).

10. Caqiidada Al-Ashcariyah oo ku magacaaban Sheekh Ashcari oo ahaa Reer-Baqdaad ahaa (dhintay AD 935) waa midda ay muslimiinta dunidu u badan tahay, lana rumaysan yahay inay tahay caqiidada ugu saxsan kolka laga hadlaayo sifooyinka Eebbe ee abad-jirenka ah, sugidda aragtidiisa maalinta Qiyaamaha iyo awoodda aan xadka lahayn ee uu ku maamulo abuurtiisa iyo weliba falalkooda. Culimmada wwaweyn ee Ashcariyada waxaa ka mid ah: Al-Baaqillaani (dhintay AD 1013), Al-Baqdaadi (dhintay AD 1037) iyo Al-Juweyni (dhintay AD 1085).

11. Tusaale ahaan, sida ay soomaalidu u badan tahay, haddii aad baratay oo aad mad-habta Shhaficiyada ku dhaqato, waxaa loo baahan yahay inaad weyseysato mar alla markii aad taabato qof dumar ah oo aan teed kaa xigin, qaangaar ah (15 sano jirtey), shisheeyana kaa ah. Afarta mad-habood midna haddii aadan barannin waxaa kuu bannaan, markii aad isla qofkaas dumarka ah taabato, inaad hadii aad doontana iska tukato, haddii kalena aad weyseysato, adiga oo ka faa’idaysanaya sidii ay culimmadaasu isugu khilaaftay laqbaha aayadda 6d ee suuradda shanaad ee Qur’aanka kariimka ah.

12. Tusaale ahaan, Ingiriiska iyo Talyaanigu kolkii ay Sayid Maxamed Cabdille Xasan u maleegeen afgenbigii dhicisoobey ee taariikhda ku galay magaca ah ‘Canjeel-talo-waa’, raggii ay ku adeegteen waxaa ka mid ahaa Darwiishkii laoran jirey Cabdalla Shixiri oo intii muddo ah Daraawiishta arrimaha dibedda u qaabbilsanaa. Cabdalla Shixiri, isagoo fulinaaya qorshaha labadaas dawladood, dhinaca diinta Sayidka ka dacaayadaynaya ayaa waxaa la geeyey Maka, si uu hoggaamiyaha Daraawiishta uga ashtakeeyo bersadda Sheekh Maxamed Saalax oo sheekhiisii ahaa. Hawlgalkaasi wuxuu dhalay warqad ceebayn iyo ‘dayro’ ah oo Sayidka u jeedda, hase ahaatee taariikhyahannada Daraawiishtu ay qabaan inay ‘bug’ ahayd oo aanay xafiiska Sheekha ee Maka ka soo bixin. Si kastaba ha ahaatee, gabayada Sayidka mid ka mid ah (Arag diiwaanka gabayadii Sayid Maxamed, bogga 299) wuxuu ku xusayaa Cabdalla Shixiri iyo warqad uu, malaha, isagu Maka geeyay, wuxuuna ku tilmaamayaa tilmaamo saddex ah oo ay ka mid tahay inuu ‘WAHAABI’ yahay. Wuxuu yiri:
“Ina-Shixirigii wagarsanaa weled-najaas weeye
Warqadduu magaalada u diray talo wahaab weeye!”

13. Culimmo ka tirsan Ahl As-sunnah wal-jamaaca oo aan gobolka ku arkay waxay qabaan inay, diin ahaan, xaaraan tahay xoolaha sakada in lagu ‘biilo’ ciidan aan jahaad xaq ah ku jirin oo ‘ujeeddooyin adduunyo’ loo samaystay, sida midka uu Itixaadku Gedo ku leeyahay. Waxay taas u cuskanayaan Qur’aanka kariimka ah oo si cad u qeexay dadka nooca mudan in sakooyinka loo qaybiyo. Arag aayadda 60d ee suuradda 9d, laqbaheedana ka akhri: Tafsiir Al-Jalaaleyn, bogga 196, Daar Ibn Kathiir, daabacaadda 6d, Beyruut.

14. Sheekh Cabdulcaziiz Bin Baaz oo ah Muftiga Sacuudigu wuxuu muddo dheer mas’uul ka ahaa arrimaha diinta ee dalkaas, waxaana la rumaysan yahay xafiiskiisa oo miisaaniyad xoog leh maamulaa inuu si aan toos ahayn u taakuleeyo laamaha Itixaadka ee Geeska Afrika. Laanta Gedo ee ururku waxa ay aad u qaybisaa oo qofkii ku biiraba ay siisaa kitaab yar oo uu Sheekhaasi qoray, looguna talo-galay inay dadku isaga keliya ka bartaan sida ‘habboon’ ee loo tukado. Waxaa lagu magacaabaa: Sifatu Saaltin-nebi.

15. Sidaan meel hore ku soo sheegnay (Arag kor iyo tirsiga 4d), isbahaysigii Sheekh Maxamed Cabdulwahaab iyo maxamed Bin Sacuud ee qarnigii 18d, wuxuu dhalay Boqortooyada Sacuudiga. Heshiiskaas isbahaysiga oo ilaa maanta dhaqangal ah waxaa qodobbadiisa aan weligood la jebin ka mid ah inay Reer-sacuud yeeshaan Boqortooyada maamulkeeda dawlad ahaaneed, qoyska Aal-Ashaykhna looga dambeeyo arrimaha diinta.

16. Qodobbadaas qaar ka mid ahi waxay ku xusan yihiin Fiq-higa Al-Imaam Axmed, sidaas darteed, maamuusid mooyee, ku dhiirran mayno duriddooda. Waxaan u soo qaadannay oo keliya inaan muujinno sida ay wareer ugu ridi karaan dadka soomaalida ah ee boqollaalka sano Fiq-higa Shaaficiyada ku soo dhaqmaayey. Bal malee dareenka nin soomaali ah oo lagu yiri, “hilibka geelu weysada waa jebiyaaye, mar alla markaad cunto ka weyseyso!”

17. Labada Sheekh ee aan Nayroobi iyo Beledxaawo kula sheekeystay , in kastoo ay gobolka u dhasheen, haddana waxay iga codsadeen in aanan magacooda sheegin, haddii ay dhacdo inaan warkooda isticmaalo. Sheekha aan Beledxaawo kula kulmay wuxuu ii sheegay inuu dhowaantan joojiyey inuu ku tukado masaajiddada ay Itixaadku maamulaan ee ku kala yaal labada magaalo ee ay gobolka ka haystaan.

18. Almustaqbal International; cadadkii 4d iyo 5d, july-December, 1994; Toronto – Ontario, Canada.

19. Marka ay Wahaabiyadu ceebaynayaa Tasawufka waxay u badan yihiin inay soo daliishadaan aayadda 3d ee ku jirta suuradda 39d ee Qur’aanka kariimka ah, taasoo uu Eebbe uga warramaayo sababta ay gaaladii Maka ‘asnaamta’ u caabudi jireen oo ahayd inay Eebbe ugu dhowaadaan, iyaguna ay taas ku kaalmayn karaan.

20. Arag bogga 20d ee Kitaabka: Ad-durar As-saniyah (eeg kor iyo tirsiga 5d).

21. Waxay dadka gobolka qaarkood ii sheegeen in cunnada sadaqada ah ee 1992 iyo ’93kii uu Itixaadku marmar keeni jiray degmada Beledxaawo iyo Luuq ay siin jireen oo keliya qoysaska ururka ka tirsan. Baahi doontaa ha haysee, dadweynaha aan ururka ahayni kaalmadaas weligood lama siin.

22. Akhri aayadda 11d ee suuradda 4d ee Qur’aanka kariimka ah.

23. Arrimaha diinta ee Soomaaliya waxaa inta badan danayn jirey wargeyska Al-mujtamac ee dalka Kuweyt ka soo bixi jirey iyo cajalado uu soo saari jirey Sheekh Reer-Masar ah oo lagu magacaabo: Kishk.

24. Sheekh Maxamuud Macallin Nuur oo ninka 2d ka ah madaxnimada Itixaadka Gedo.

25. Ereyga ay Itixaadku madaxdooda ku tilmaamaani ma aha mid afsoomaali ah, anigaana erayga ‘guddomiye’ halkaan u doortay, si ay akhristeyaashu ujeeddada u gartaan. Waxay iyagu isticmaalaan erayga afcarbeedka ah: AMIIR. Sidaas darteed, Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf waa Amiirka Itixaadka Gedo, Sheekh Maxamuud waa Amiir-ku-xigeenka, ardayga fasallada dugsiyada midkood kabiirka ka ahi waa ‘amiirka fasalka’, haddii ay gabar tahayna waa ‘amiiradda fasalka’.

26. Sheekh Maxamed Macallin Xasan waa nin diinta Islaamka aad u yaqaan oo Soomaaliya iyo Masarba wax ku bartay. In badan ayaa lagu xiray amarka xukuumaddii M. S. Barre, isagoo mar walba loo haysan jirey inuu xukuumadda manjoxaabinaayo, una adeegsanaya diinta.

27. Waraysigaasi wuxuu ka baxay BBCda, laanta afsoomaaliga, 16/10/94

28. SSDF (Somali Salvation Democratic Front): Waa jabhaddii ugu horreysay jabhadihi ay qabaa’ilka soomaalidu u abuuraan, si ay u ridaan xukuumaddii M. S. Barre. Waxaa 1978kii asaasay G/Sare Cabdullaahi Yuusuf oo ka tirsanaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxayna markii, tol ahaan loo eego, ay ku magacaaban tahay qabiilka Majeerteen ee Daaroodka ah.

29. Tiradaas waxaan afkiisu ka hayaa Cabdullaahi Yuusuf oo aan Rooma ku arkay bilawgii sannadkan ’94ka. Ha yeeshee, dadka kale oo aan la kulmay, gobolladaasna u dhashay tirada intaas way ka yaraynayaan, lamana aha inay 100 nin ka badnayd.

30. Raggii dagaalkaas Luuq ku dhiirraday ee SNFta la galay waxaa hormuud u ahaa wadaad la oran jirey Sheekh Yuusuf oo ahaa ninkii Itixaadka, ciidan ahaan, Gobolka Gedo ka asaasay. Isla dagaalkaas ayuu ku geeriyooday, isaga iyo rag kale oo ka mid ahaa kooxdii uu kaxaystay.

31. Waxaa arrintaas ku adkaystay wadaad la yiraahdo Sheekh Xasan Daahir oo Hawiye ah (Habargidir!).

32. Waraysi aan Beledxaawo kula yeeshay Axmed Cibaad Bulxan, 22/6/’94ka.

33. G/Sare Yuusuf Dhuumaal oo waraysi Beledxaawo kul yeeshay 22kii Juun ee sannadkaan, wuxuu, ilaa beri dhowayd, ka mid ahaa madaxda sare ee Itixaadka. Wuxuu ii sheegay inuu ka baxay ka dib markuu ogaaday ‘inaan meesha diin lagu hayni uu ururku xukun-doon yahay’.

34. Yuusuf Dhuumaal (Arag kor iyo 33d).

35. Dib u xusuuso waraysi ay BBCda, laanta afsoomaaligu la yeelatay Sheekh Itixaadka ka tirsan bishii Mey ee sannadkaan. Markii la weydiiyey meelaha uu ururku Soomaaliya ka haysto, wuxuu sheegtay ‘Luuq’. Waxaad kaloo akhrisaa maqaalka ku magacaaban, “Luuq Waa Tusaale ku-dayasho Mudan” oo ku soo baxay Almustaqbal (Arag kor iyo tirsiga 18d).

36. Warqadda Sheekh Aadan Sheekh Cabdullaahi waxaa inay jirtay ii sheegay Maxamuud Khaliif Shire oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka SNFta iyo Sheekh Maxamuud Macallin Nuur, ku-xigeenka Itixaadka Gedo. Wuxuu kaloo Sheekh Maxamuud iigu sheegay waraysi aan la yeeshay (17/6/94) inay Itixaadku diyaar u yihiin inay Marreexaan kala xaajoodaan wax walba oo aan ‘dhiibista hubku’ ku jirin, taasoo aannaan oggolayn in aan cidna kala hadalno!

37. Guddoomiye-ku-xigeenka SNFtu, wuxuu bilawgii Agoosto ee sannadkan Beledxaawo iigu sheegay inay burbureen wadahadalladii ugu dambeeyey ee uu madaxda Itixaadka kala yeeshay arrinta Degmada Luuq. Wuxuu ii sheegay inay si cad ugu gacan-sayreen dhismaha guddiga 21ka ah ee degmada, iyagoo aan bixin, haba yaraatee, sabab lagu qanci karo.

38. Akhri wargeyska Almustaqbal bogagga 26-27; (Arag kor iyo tirsiga 18d).

Sidee Baan Unooleyn Karnaa Sunnada Ictikaafka?

[arabic-font]الحمد لله الّذي بنعمته تتمّ الصالحات، والصلاة والسلام على خير البريّات وبعد:[/arabic-font]
[arabic-font]الإعتكاف سنة ثابتة عن الرسول صلّى الله عليه وسلّم قلّ المشمِّرون لها، ونقص الراغبون فيها، عن عائشة رضي الله عنها قالت: (كان النبي صلى الله عليه وسلم يعتكف العشر الاواخر من رمضان، حتّى توفّاه الله، ثم اعتكف أزواجُه من بعده) متّفق عليه. وفي لفظٍ (كان النبي صلّى الله عليه وسلّم يعتكف في كلّ رمضان عشرة أيام، فلمّا كان العام الذي قُبض فيه اعتكف عشرين يوما) رواه البخاري.[/arabic-font]

[arabic-font]فالإعتكاف من السنن المهجورة التي هجر كثير من الناس، والتي ينبغي على العلماء والدعاة وأهل الفضل أن يقوموا بإحيائها في أنفسهم ويدعوا الناس إلى إحيائها اقتداء بالنبي صلّى الله عليه وسلّم في ذلك.[/arabic-font]

[arabic-font]والإعتكاف: لزوم المسجد لطاعة الله، والإنقطاع لعبادته، والتفرغ من شواغل الحياة[/arabic-font]
[arabic-font]فيُستحبّ للمعتكفِ أن يشتغل بذكر الله وتلاوة القرآن والصلاة والدعاء والمناجاة ومدارسة العلم.[/arabic-font]
[arabic-font]ويحرم على المعتكف الجماع ومقدّماته من التقبيل واللّمس بشهوة.[/arabic-font]

[arabic-font]ولا يجوز للمعتكف الخروج من المسجد إلّا لحاجة ضرورية كالوضوء والغسل والأكل والشرب، فإن تيسّر له ذلك في المسجد لم يجز له الخروج.[/arabic-font]
[arabic-font]ولا يخرج لعبادة لا تٓجِب عليه كاتباع جنازة وعيادة مريض ونحو ذلك.[/arabic-font]
[arabic-font]يُستحبّ للمعتكف أن يجعل له مكانا في المسجد ينقطع فيه عن الناس ويتفرغ لعبادة الله عزّ وجلّ ، وإن جعل له خباء او مكانا مٓستورا يدخل فيه فحسن.[/arabic-font]

 

[arabic-font]لماذا تركنا الإعتكاف؟[/arabic-font]
[arabic-font]- تركنا الإعتكاف لافتتاننا بالدنيا.[/arabic-font]
[arabic-font]- تركنا الإعتكاف لانشغالنا بالأموال والأولاد.[/arabic-font]
[arabic-font]- تركنا الإعتكاف لتعوّدنا حياة الترف والنعيم.[/arabic-font]
[arabic-font]- تركنا الإعتكاف لتكاسلنا عن الطاعات، وتثاقلنا عن اكتساب الخيرات.[/arabic-font]
[arabic-font]-تركنا الإعتكاف لجهلنا بقيمة هذه الخلوة الرّبّانيّة في إصلاح النفس وتزكيتها وإشراق الرّوح وتطهير القلب من دران المعاصي والشهوات.[/arabic-font]

 

[arabic-font]كيف نحيي سنّة الإعتكاف؟[/arabic-font]

[arabic-font]١- نحيي سنة الإعتكاف بالعلم النافع والذي يدفع صاحبه إلى صحّة الإقتداء بالنّبي صلّى الله عليه وسلّم في كلّ أقواله وأفعاله.[/arabic-font]

[arabic-font]٢- نحيي سنة الإعتكاف بصدق العزيمة وعلوّ الهمّة وترك الكسل والتثاقل عن الطاعات.[/arabic-font]

[arabic-font]٣- نحيي سنة الإعتكاف بتدريب أنفسنا على هذه العبادة في غير رمضان أو في أول رمضان وذلك بالمكث في المسجد يوما كاملا بنيّة الإعتكاف.[/arabic-font]

[arabic-font]٤- نحيي سنّة الإعتكاف بالتفرغ للعبادة في أيام العشر وعدم إضاعة أيام الإعتكاف في غير ذلك من القِيل والقال والنّوم والطعام والشّراب وغير ذلك.[/arabic-font]

[arabic-font]٥- وأخيرا نحيي سنّة الإعتكاف بالإخلاص لله عزّ وجلّ في جميع أقوالنا وأفعالنا طلبًا لمرضاته تعالى وطمعًا في جنّته وهربًا من نارِهِ.[/arabic-font]

 

[arabic-font]إعداد القسم العلميّ بدار الوطن للنّشر بالرّياض.[/arabic-font]

 

Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Ilaahay, nabadgelyo iyo naxariisna ha ahaato Nebiga korkiisa. Kadib:

Ictikaafka waa sunno ka sugnatay Rasuulka Alle – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – oo ay yaraadeen dadka ku dhaqma, ayna hoos udhaceen dadka rabitaanka u haya.

Waxaa laga wariyey Caa’isha – Alla ha ka raalli noqdee – inay tiri: “Nabigu wuxuu ahaa mid ictikaafa tobanka ugu dambeeya ee bisha Ramadaan, illaa uu Alle ka oofsaday, kadibna waxaa ictikaafay xaasaskiisa isaga kadib.” Waxaa wariyey al-Bukhaari iyo Muslim. Warin kale waxay tahay: “Nebigu – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – wuxuu ahaa mid ictikaafa Ramadaan kasta toban maalin, sanadki la oofsadayna wuxuu ictikaafay labaatan maalmood.” Waxaa wariyey al-Bukhaari.

Ictikaafku wuxuu ka mid yahay sunnooyinka laga haajiray oo ay ka tageen in badan oo dadka ka mid ah, ayna habboon tahay inay culumada, ducaadda iyo ehlu-kheyrka nooleeyaan ayna dadka ugu yeeraan nooleynteeda iyadoo lagu dayanayo Nebiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.

Ictikaafku: waa in lagu negaado masjidka daacada Alle awgeed, loo go’o cibaadadiisa, lagana fasax qaato hawlaha nolosha.

Waxaa mustaxab ku ah muctakifka (qofka ictikaafayo) inuu ku mashquulo xuska Alle, akhrinta Qur’aanka, ducada, baryada Alle, iyo diraaseynta cilmiga.

Waxaa muctakifka xaaraan ka ah galmada iyo waxyaalaha horudhaca u ah sida dhunkashada iyo taabashada shahwada leh.

Looma oggola muctakifka inuu ka baxo masjidka illaa ay ku timaaddo arrin daruuri ah mooyee, sida weyso, qubeys, cunno ama cabbitaan. Haddii uu intaas ka helo masjidka, looma oggola inuu ka baxo.

Yuusan u bixin cibaado aan waajib ku ahayn sida inuu raaco janaaso, inuu booqdo qof xanuunsan iyo wixi la mid ah.

Waxaa mustaxab ku ah muctakifka inuu sameysto meel u gaar ah, uu dadka uga go’o una gooni go’o cibaadada Alle. Haddii uu sameysan karo meel asturan oo daboolan waa arrin ka wanaagsan.

Maxaan Uga Tagnay Ictikaafka?

Waxaan ictikaafka uga tagnay arrimahan:

– Waxaa lagu fitnoobay adduunka.
– Waxaan ku mashquulnay xoolaha iyo carruurta.
– Waxaan caadeysannay nolosha raaxada iyo fudeydka.
– Waxaan ka caajisnay daacaadka, kana cuslaannay kasbashada kheyrka.
– Waxaa jahli naga saaran qiimaha khalwadan rabbaaniga ah ay ku leedahay in la daahiriyo nafta, la quudiyo ruuxda iyo ka nadiifinta qalbiga cudurrada macaasida iyo shahawaatka.

Sidee Baan Unooleyn Karnaa Sunnada Ictikaafka?

Waxaan sunnada ictikaafka ku nooleyn karnaa:

  1. Cilmiga manfacada leh ee qofka barta ku riixaya ku dayashada Nebiga ku dayasho sax ah, hadalladiisa iyo camalkiisaba.
  2. Ka run sheegga go’aanka, himma sarreysa, iyo inaan ka tagno culeyska iyo caajiska naga saaran daacaadka Alle.
  3. Inaan nafteenna ku tababbarno cibaadadan Ramadaanka ka hor iyo billowgiisa, taasina waxay ku suurtoobeysaa inaan ku negaanno masjidka maalin dhan annagoo u niyeysanayna ictikaaf.
  4. Inaan maalmaha tobanka ah u go’no cibaadada, aanna maalmaha ku lumin wax aan ahayn cibaado, sida waxaa la yiri, hurdada, cunnada iyo cabbitaanka, iyo wixi la mid ah.
  5. Ikhlaaska: inaan Alle kaligiis u sameyno daacaadka ha ahaadaan qawl ama ficil, innagoo raadineyna raalli ahaanshihiisa, damac inooga jiro jannadiisa, kana carareyna naartiisa.

Waxaa diyaariyey:
Qeybta Cilmiga ee Daar al-Wadan.
Riyaad, Sacuudiga | Taleefoon: 4792042 | Faakis: 4723941

Waxaa tarjumay:
Maktabadda Af-Soomaaliga
www.maktabadda.com

Jaldiga Gadaal

JALDIGA GADAAL
Beerta Xayawaanka, oo ah buuggan aannu markii u horreysey ku soo bandhigaynno Af Soomaali, waxa uu ka sheekeynayaa sida koox xayawaan ah oo ku noolayd beer mar keli ah uga gilgilatay dulmigii Bani-aadmigu ku hayey. “Kacaan weeye arrinta innala gudbooni,” markii ay yidhaahdeen, ayay dabada kaga dhaceen Bani-aadmigii addoonsan jirey ee iyaga uun ku kor noolaa. Hase syeeshee, yididdiilo kasta oo hore ay u qabeen iyo himilo kasta oo ay lahaayeen waxa ay baabe’een markii xukunku u galay gacanta koox xayawaanka ka mid ah oo taladeedii noqotay been, musuqmaasuq, dil iyo argagixis ay kula kaceen xayawaanka kale. ‘Bulshadii sinnaatay ee ka xorowday gaajo iyo karbaash, bulshadii mid kastiiba shaqeynayey inta tamartiisu tahay, bulshadii kooda xoogga weyni ilaalinayey kan taagta daran’ ee ay higsanayeen waxa ay ku danbeysey ‘goor ey bahalo ah oo gurxamayaa meel la arko ku meereystaan; goor ay cid walba sandulle ku noqotay in ay daawadaan jaallayaashooda oo hortooda xubin-xubin loogu jarjarayo.’
Maxamed Yuusuf Cartan

Daabacaadda labaad ee turjumaadda buugga Animal Farm (Beerta Xayawaanka) waxa uu kow u yahay taxane cusub oo la yidhaahdo “Iswaydaarsi”. Waa suugaan xul ah oo caalami ah oo loo turjumayo Af Soomaali iyo suugaan lagu curiyey marka hore Af Soomaali oo loo turjumayo afaf kale. Waa wax iswaydaarsiga aqoonta, xaddaaradda, dhaqanka iyo cilmiga bulsho ee adduunwaynaha.
Jaamac Muuse Jaamac

ISBN 978-88-88934-20-4
51750
9 788888 934204
RED5EA-ONLINE.COM/BOOKS

17.50 Yuuro