“Iminka iyo haatan, Jetro,” ayuu yidhi Amuba, “maxay kula tahay in aynnu yeello? Hadda durbaba waa habeen; waxaana ila habboon in aynnu baxno. Ma kula tahay in aynnu gaadhi faraska ka faa’iideysan karno?” Jetro ayaa cabbaar yar aamusnaa oo ra’yigii ka yar fikiray. Deeto yidhi, “Waxaan u malaynayaa intuu aad u yar yahay oo aanu inna wada qaadi karayn. Hase yeeshee mid baynnu yeeli: Waqooyi ayeynnu u kaxayni si dadku u moodaan raadkiisa in aynnu geestaa u baxsanay.”
“Aniga haddaba gaadhi faraska ayaan diyaarin,” ayuu yidhi Amuba, “adiguna Jetro hawla badan ayaa berri ku sugaya. Waana lagama maarmaan ah in aynnu doonni iyo sahay badan iibsanno. Imika sida ugu habbooni waxaa weeyaan in aad labadiinnu gabdhaha kaxaysaan oo gaysaan gurigii Jigron; idinna meeshaynnu ku dhuumanaynay aaddaan. Sida muuqata, lagama yaabo in durba la inna raacdeeyo, waayo kolka wadaadkan iyo wiilkiisan aynnu dillay caawa gurigoodii laga teebo, waxaa loo qaadan donaa in ay halkan u hoydeen. Ugu horraynna waxaa suurtagal ah in maqnaashahooda laga shakiyo ilaa berri galinka danbe, Markaana u malayn maayo in warku magaalada ku faafin doono wax ka horreeyaa subaxnimada danbe. Haddana anigu gaadhi faraska ayaan hal maalin socod waqooyi u kaxaynayaa ka dibna waan soo lugayn doonaa oo habeen dambe ayaan idiin iman doonaa.”
“Waxay ila tahay in fikradaasi aad u fiican tahay,” ayuu yidhi Jetro, “imikana horta intaynaan tagin waa in aan guriga wixii dhexyaalla oo dhan qulaba geddiyaa oo aan u ekaysiiyaa sidii oo ay tuugo u soo dhacday. Inna keen, Amuba aad ila caawisid hawshee.” Jetro iyo Amuba ayaa gurigii dabo iyo dacal u rogay oo u ekeysiiyey sidii oo tuuga jabsatay. Dahabkii iyo alaabtii kale ee qaaliga ahaydna ceelkay ku gureen. Deeto kuwii ay xidheen ayey hubsadeen in ay furan karayaan iyo in kale. Amuba ayaa dabadeed, intuu labadii faras ee gaadhifaraska jiidayey ceelka ka waraabiyey gaadhifaraskii woqooyi ula ambabaxay. Kooxdii kalena waddaday cagta saareen ilaa gurigii Jigron.
Habeenkii oo intii badnayd tagtay ayey gurigii u soo dhawaadeen, waxayna la noqotay in waqtiga oo aad u dambeeya awgeed ay habeenkaa dibadda baryaan, labadii gabdhood waxay galiyeen god dhagax laga dhex qoday. Jetro iyo Jebronna godka afaafkiisa ayey seexdeen. Waa ku dhawaad hadday tahay ayuu Jetro u kacay xaggii guriga. Sanqadhii u horraysay hadduu dareemayna irridii ayuu garaacay. Markii laga furay ayuu uga warramay Jigron wixii dhacay oo dhan. Jigron markuu maqlay geeridii Bataylus iyo wiilkiisa, aad ayey fajac iyo baqdin u galisay waxaanu yidhi. “In kasta oo ay niman xun ahaayeen haddana dhimashada Bataylus oo kollay noqon lahaa Wadaadka Sare ayaa laga yaabaa in ay cadhada ilaahyada Masar ku riddo. Inanta yari iyadu danbi kuma lahayn; aad baanan raali uga ahay inaan qariyo ilaa inta aad baxsanaysaan.”
Jigron, dabadeed, wuxuu iskugu yeedhay khaadimadiisii: waxanu u sheegay in qolo saaxiibadii ah oo marti ihi yimaadeen; waxanu ku amray in ay qol u diyaariyaan. Deeto labadii gabdhood ayuu qolkii galiyay iyaga oon cidina arag, waxanu u yeedhay habar addoon ahayd oo gabawday oo uu isyidhi waad ku xog qarsan kartaa. Waxaanu habartii ku amray in ay addoomaha oo dhan galiso warka ah in qoladan martida ahi yihiin qolo saaxiibadii ah oo xagga beeraha u socota, ayna joogi doonaan dhawr saacadood ka dibna qolada ay u socdaan ay u keeni doonto gaadhifaras ay ku gaadhaan, meesha ay u socdaan.
Markuu intaa dhameeyey wuxuu ku soo noqday Jetro si uu ula diyaariyo waxay ambabaxa uga baahnaayeen. Ugu horraystii waxay u kaceen xagga webiga. Halkaas oo ay joogeen, doonyo badani. Mar alla markii la maqlay in dooni kira ah ay raadinayaan ayaa waxa ku soo xoomay kuwii doonyaha lahaa; iyaga oo mid walba doonidiisa xayeysiinayo – orodkeeda, nabadgalyadeeda, habboonaanteeda iwm. Cabbaar markuu indha indheeyey Jigron ayuu ugu danbaystii doortay mid uu is yidhi tanaa ugu habboon. Waxay ahayd mid aan cuslayn oo gudaheeduna waasac yahay; laba qayboodna leh. Waxa fuushanaa hal naakhuude iyo afar nin oo shaqaala ah. Markiiba waxa lagu heshiiyey qiimihii. Dabadeed Jigron iyo Jetro ayaa israacay, waxayna soo gadeen wixii socdaal webi ay uga baahnaayeen oo dhan. Waxay soo gadeen bucsharad ay ugu talo galeen in ay uga ganacsadaan dadka ay sii marayaan, iyo qalab kale oo aad u muhiim ah oo ay ka mid yihiin fallaadho, warmo, seefo iwm. Goor casar gaaban ah ayaana wax walba u dhamaadeen. Dabadeed waxay ku noqdeen gurigii. Halkaas oo Jetro gabdhihii kula kulmay; ka dibna wuxuu u kacay xaggii buurta ee ay ku dhuuman jireen; waxanna uu arkay Amuba oo soo noqday, “Wax walba ma hagaagsan yihiin?” ayey labadii will warsadeen markuu u soo galay. “Haa,” ayuu ugu jawaabay. “Waxaan soo diyaarinnay doonidii iyo wixii aynnu u baahnayn oo dhan. Waxaa kale oo aan soo iibiyey bucsharad aan ugu talo galay in aynnu kaga ganacsanno dadka deggan Merow iyo Badda Cas dhexdooda.”
“Imikana adigu ma gurigii ayaad ku noqonaysaa,” ayuu yidhi Amuba.
“Haa,” ayuu ugu jawaabay Jetro, “Waayo waxaynnu bixi doonaa marka cadceeddu soo baxdo. Idinka, waxaa habboon, in aad meel guriga ka yar durugsan nagu sugtaan; ka dibna sheedda naga soo daba socotaan. Doonnida marka hore meel magaalada ka yar durugsan ayaa la innoo soo taagi doonaa si aynaan magaalada u dhexgalin. Laakinse waxaa loo baahan yahay in aad dhar kale xidhataan si aan la innoo garan.”
Isla habeennimadii oo goor danbe ah ayuu Jetro ku soo laabtay meeshii ay ku dhuumanayeen, waxanu labadii inan u sheegay, “Magaaladii, oo dhami warkii mooyaane wax kale ma hayso. Waxase aad mooddaa in aan dadku labada gabdhood ee guriga ku xidhnaa aanay kaba warqabin. Sidaa darteed waxba kuma jabna haddii Ruut iyo Maysa ay Jigron iyo aniga doonida noo raacaan; idinkuse waxaa ila habboon in aydaan isla mar nala fuulin annaga. Waxaa idiin halis yar idinka oo ilaa tuulada Mita oo labaatan mayl koonfur inooga jirta u sii lugaysaan. Halkaasay deeto doonnidu soo joogsan doontaa habeen danbe oo aydin marka dhulku madoobaado naga raaci doontaan. Waxanan kala ballami doonaa naakhuudaha si aanaan idiin, dhaafin.”
“Hubaal waa fikrad wacan,” ayuu yidhi Amuba, “Waayo Jebron aad bay dadku u yaqaanaan, oo isaga oo sidiisaas ah oo dharkiisaa gashan markaaba waa la garanayaa. Marka waxa habboon in sidaa uu Jetro ku taliyey aan yeello. Iminka iyo haatan anigu maanta iyo xalay ayaan socod ku soo jiray oo waxaan u baahnahay in aan waxoogaa yar seexdo.”
“Iska seexo, anigaa maanta oo dhan hurday oo ku toosin doonee,” ayuu yidhi Jebron. Dabadeed intuu dibadda fadhiistay ayuu xiddigaha fiiriyey. Markuu muddo fadhiyey ee ay la noqotay in waqti laba saacadood lagu qiyaaso ay xidhigihii cirka gudbeen ayuu toosiyey Amuba. Dabadeed labadoodii waxay xidheen dharka ganacsatadu xidhato; waddada ayeyna cagta saareen oo waxay gaadheen wabiga daantiisa. Kolkay qiyaastii labo mayl u jiraan tuuladii Mita, ayey meel geedo badan oo webiga daantiisa ah u leexdeen oo geedaha hoostoodii seexdeen. Wax yar ka dibna waxay la kulmeen Jetro oo raadinayey. “Wax walba ma hagaageen?” ayuu yidhi Amuba. “Wax walba,” ayuu ugu jawaabay, “dhakhsadase aan fuullo doonida e. Gabdhihii baa wali ka shaki qaba in aad soo nabadgasheen iyo in kale. Inkasta oo aan u sheegay in aan wax dhib ihi jidka idinka helayn.”
Dabadeed wuxuu u hor kacay ila doonnidii oo ay ku xidheen meel tuulada halka webiga kaga toosan ku yar durugsan. Markay doonnidii fuuleen ayuu Jetro yidhi, “Waa kuwan walaaladiin. Waxaan soo helay iyaga oo iska wareegaya oo ilawsan in aad idinna la sii sugaysaan cashadii.”
Wiilashii markay qaybtii doonnida ay gabdhuhu ku jireen oo ahayd qol yar oo ah ilaa afar mitir iyo saddex mitir oo gudub ah, ay soo galeen ayey Maysa farxad la warraaqday, kuye, “Ilaahyadaa mahad leh, mar labaad isku keen wada keenay, imikay ii tahay aniga.”
Kolkaasaa nin shaqaalihii ka mid ihi soo galay isaga oo cunto u sida. Markuu ninkii tagay ayuu Jetro u xanshashaqay saaxiibadii oo yidhi, “Arrin baa jirta aan doonayo in aan idiin sheego. Waxay ila tahay in aynaan magacyadeen runta ah isugu yeedhin, si aan loo garan cidda aynnu nahay. Aniga waxad iga dhigaysaan aabbihiin, waayo waan idinka weynahay, Aabbo inaan ahayna waa la imoodi karaa. Amuba isaga waxaynu u bixinaynaa, AMaysan; Jebronna, Jefo.”
“Anigana Miitas ii bixiya. Ruutna Miita ayeynnu odhanaynaa,” ayay raacisay Maysa.
Sidaasaani saaxiibadeen magacyo cusub ula wada baxeen si ay dadka u khaldaan oo aan loo garan ilaa iyo intii ay Masar ka baxayeen.