Qeybta 25aad

Habeen habeennada ka mid ah ayaa waxa kaltanka ilaallada lahaa Jebron, Amuba iyo Jetro. Iyaga oo taagii dusha kaga jooga oo sheeko iskula maqan ayuu Jetro mar kali ah qayliyey, “Wallaahi wax baa buurtaa innagu beegan ka dul dhaqaaqaya dhawr jeer oo hore ayaa maqlay shalaw soo dhacaaya. Waxaan hubaase hadda madmadaw soconaya ayaan arkaa markaa.” Dabadeed intuu raggii kale oo dhan u qayliyey ayuu yidhi, “Hubka qaata. Waa la inna soo galay.” Markiiba gig baa la soo yidhi: isla mar ahaantaa ayuu Jetro maqlay sanqadh yar oo agtii qarjaf ka tidhi, dhulk uu yar haab haabtay waaba leeb agtiisa ku dhacay, kuye, “Waar col baa innagu soo maqan! Dabka damiya oo derbiga ku soo gabbada.”

Intii uu hadlayey baa qaylo buurihii gees ka gees isqabsatay oo fallaadhu sida dhibica ugu soo dhacday kooxdii yarayd ee socotada ahayd. Markiiba dhawr nin baa laga dhaawacay; hasa yeeshee amarkii Jetro bay oofiyeen oo markiiba dabki bay wada bakhtiiyeen. “Ku gabbada derbiga,” ayuu Jetro amar ku bixiyey. “Ilaa aad si fiican u arkaysaan; deeto warmaha la diyaar noqda marka ay inna soo weeraraan.”

Raggii socotada ahaa markii ay arkeen degganaantii iyo fikrad toosnidii Jetro ayaa waxay garteen in uu yahay nin waaya arag ah oo soo arki jiray meel lagu dirirayo; sidaa awgeed amarkiisii ayey markiiba fuliyeen. Wax yar ka dib ayaa durba waxaa soo muuqday wax madaw oo col aan yarayn qiyaastii ah.

Socotadii Masaarida ahayd iyagu way sugeen ilaa cadawgii soo dhawaanayey, Intaanay ilbidhiqsiba dhammaan baa fallaadho oodda lagaga soo qaaday, iyana dhibic fallaadh ah ayey ugu jawaabeen; gigtii labaadna gacantaaba la iskula tegay oo warmo, seefo iyo gudmo ayaa isku nacay. Xuftay budhcadu derbiga ku soo fuulaan baa tu la mida dib loogu rogay ama dhegta dhiigga loogu daraa. Dirir qadhaadh oo muddo gaaban soconaysay ka dib baanu weerarkii dhakhsihii uu ku billowday ku la mid ah ku dhamaaday. “Ilama aha in ay soo noqonayaan,” ayuu yidhi Jetro, “waayo, waxay arkeen in aynnu xoog leenahay aadna isu diyaarinnay. Laakiinse mar haddii aynaan aqoon caadooyinkooda waxa habboon in aynnu foojignaano.”

Cabbaar markii ay dhawreen ee waxba sanqadhi waayeen ayey dababkii dib u shiteen, oo raggii dhaawaca ahaa baxnaano lagula kacay. Lix iyo toban baa laga dilay; kontonna waa laga dhaawacay. Budhcaddii iyaga soddon iyo toddoba ayaa derbiga sokodiisii mayd ahaan ugu dhacay; hasa yeeshee intii xagga shishe ku dhimatay tiradooda lama aqoon waayo budhcaddu maydkii iyo dhaawiciiba dib u jabki bay sii qaateen. Mar alla markii dagaalkii istaagay, ayuu Jebron ku cararay xaggii doonyaha si uu gabdhihii laabta ugu qaboojiyo, uguna soo sheego in intoodii yarayd wada nabadqabaan.

Maalintii danbe ayey socdaalkoodii halkii ka wateen iyaga oon wax qulqulad ah oo danbe la kulmin. Waxay socdaanbaba waxay yimaaddeen Al-Makriifa. Halkaasoo ahayd meesha ay socdaalka lugta ah ka billaabeen ilaa ay ka gaadhayaan xeebta Badda Cas. Jetro ayaa naakhuudihii doonnida iyo ciidankiisii kiradii doonnida siiyey; waxayna markaa ka dib billaabeen qabanqaabadli safarkooda qaybtii labaad. Waxay warkii ku heleen in jidka ay sii marayaan ceelal jiraan meelaha lagu nasto. Qabiilooyinka deggan lamadegaanka ay sii marayaanna yihiin kuwo cawaam ah oo halis geliya socotada; waxana caado u ahayd ganacsatada degmooyinkaa ka gudbaysa in ay cashuur lacag ama bucshirad ah bixiyaan si ay dadka dhulka deggani ugu oggolaadaan in ay dhexmaraan dhulkooda.

Laba nin ayaa xukumi jirtay dadka deggan dhulkaa lamadegaanka ah. Kii qaybtiisu sokaysay ayuu Jetro deeto farriin u diray u ku waydiisanayo in ay dhulkisaa dhexmari karaan waxanu siday caadadu ahayd ugu sii dhiibay ninkii farriinta qaadayey qaddarkii cashuurta ahaa. Waxanay sugeen ilaa jawaabtu soo noqonaysay. Toddoba maalmood ka dib ayey afar nin oo reer miyigii lamadegaanka ihi yimaaddeen gurigii Jetro iyo saaxiibbadii ku soo degeen; waxanay sheegeen in ay u yimaadeen si ay gadhwad ugu noqdaan socotada ilaa ay ka baxayaan dhulkooda. Waxay deeto diyaarsadeen laba iyo toban nin oo u qaadda alaabta. Isla mar ahaantaa waxay Jetro la noqotay in aan socdaalkan oo kale haweenku marin. Sidaa darteed Maysa iyo Ruut ayuu dhar inamood u xidhay waayo waxa taa sii dheeraa isaga oo ka cabsi qabay marka ay magaalada xeebta ee Masar laga xukumo tagaan in dadku shakiyaan oo deeto slrtoodii baxsiga la ogaado.

Subaxnimo hore ayey dabadeed waddada cagta saareen. Labadii gabdhood ugu horaystii aad bay u jeclaysteen socodkii lugta, hasa yeeshee intaan maalintiiba dhammaan ayey daal daan rogi waayeen. Qorraxdii baa aad ugu kululaatay. Dhulkiina wuxuu isku rogay xaaluf aan geed madaw lagu ogayn. Inkasta oo aanay wax harraad an mudan sababta oo ah waxay siteen khudrad iyo biyo, haddana gabdhihii lugayskii ayaa ku noqday cadaabtii oo ifka loogu soo saaray. “Miyeynaan wax yarna nasan karayn?” ayey Maysa la warraaqday iyada oo daal iyo luga-xanuun la ilmaynaysa. Jetro ayaa madaxa lulay oo ugu jawaabay, “Waa in aynnu ugu yaraan laba saacadood oo kale soconaa ilaa inta aynnu gaadhayno ceelasha innoogu soo horreeya. Maalinta innoogu horraysa waxan ugu talogalay ilaa lix saacadood.”

Maysa waxay damacday in ay sheegto in aanay intaa ka badan socon karayn, hasa yeeshee Ruut baa dhegta ugu qabatay oo ku tidhi, “Waa in aynnu calool adaygnaa, Maysa. Ogow hadda waa tii aynnu ugu ballan qaadnay in haddii ay inna kaxeeyaan in aynnu dhib iyo halis kasta beerka u dhigi doonno.”

Ereyadaa Ruut ayaa Maysa dhiirranaan u kordhiyey oo aamusnaan ayey tallaabada hoosta ka giijisay ilaa ay ceelashii ka gaadhayeen. “Allaylehe si geesinnimo ah ayaad jid markii uga soo baxday,” ayuu Jetro ku dhiirri geliyey Maysa markii ay degeen, “socdaalka berri aad buu uga gaabnaan doonaa.”

Jetro wuxuu ogaaday in gabdhuhu socodkii maalintii aad ugu daaleen oo ay lagama maarmaan tahay in ay maalinnimada danbe nastaan. Wuxuu deeto raggii u sheegay in labadiisa wiil (waa gabdhihii) aanay socdaalka caynkan oo kale ah u baran, sidaa darteed loo baahan yahay in ay nastaan. Afartii nin ee gadhwadaha u ahaa ayuu iyagana ogasiiyey sidaa, ka dib markuu ugu ballan qaaday in uu mid walba hadyad siin doono marka uu socdaalku dhammaado.

Nasashadii maalintaa ayaa gabdhihii si weyn wax ugu tartay. Cagihii dildilaacay ayey marooyin ku duubeen, taasoo uga fiicnaatay kabihii. Maalintii danbe ayaa waxay socotadii ku soo dhaceen doox buuro hareeraha ka xigaan. Waxay dooxi socdaanba meeliba meesha ka danbaysa ayey buuruhu dooxa labadiisa qar ku soo dhawaanayeen ilaa laba derbi oo dhaadheer ay noqdeen. “Socdaalkeenna intii ba’nayd hadaa waynu soo dhaafnay,” ayuu Jetro ku yidhi gabdhihii markay yimaaddeen meeshii labaad ee ay ku nasanayeen, “Waxaan filayaa in inta danbe maalinba maalinta ku xigta ay ka sii fududaan doonto. Aad baad uga fiicnaydeen sidii aan filayey, waxaan rajo wacanna ka qabaa in uu nabadgelyo ku dhammaan doono safarkeennu.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *