Xubinta 1aad

— 1 —

Iyadoon qofna salaamin, hareerahana eegin, bay qolkeedii halhaleel ugu gudubtay. Sariirtay isku halgaadday. Buugaagtii ay sidatayna koomadiinka dushiisay naxariis la’aan ku tuurtay. Qaar baa dhulka ku daatay. Waligoodba ha daateen. Yaa u jixinjixaya! Yaa aruursanaaya! Addimadeedii baabay aruurin kari la’dahay. Waa taas labadeedii lugood mid sariirta ku dul xoortay, iyadoo kabteedii wadata. Tii kale oo kabtii iskeed uga dhacdayna waxay ka lulataa sariirta qarkeeda. Bowdada waxaa ceego adag uga haya surweelka kaakiga ah ee dugsiga. Waligiisba ha uga hayo! Yaa ka fujinaaya! Yaaba ka xanuunsanaya!

Haddaad isha kor ula sii raacdid, waxaad arkaysaa shaati cad oo gacma gaab ah oo ay hoosta ka soo riixayaan laba naas oo dhawaan kobcay. Waxaa la moodaa in ay ka cabanayaan shaatiga turriinsha la’aanta loogu dhejiyey. Waligoodba ha ka cawdeen. Yaa dulman ma iyaga mise guluusyada la moodo in ay sii go’ayaan? Kii doonaaba ha dulmanaado. Yaa isugu tagaaya!

Qofkii u soo galaa wuxuu moodi lahaa ruux suuxsan, ama mar hore gam’ay. Waa runoo indhaha way dansatay, laakiinse hurdo warkeed ma jiro. Indhaheeda beryahaan hurdo sooma booqan. Intay neef culus xoog weyn ku soo jiidday bay xoog ka sii weyn ku soo celisay, sidii iyadoo doonaysa in ay ku soo xaaqdo dhibaatooyinka maskaxdeeda rasaysan. Waxay la ahayd dhibaatooyinkii ifka lagu uumay idil ahaantood in ay iyada dul saaran yihiin. Qof kasta dhibaatadiisaa la culus, isagaana isla jid leh. Noloshaaba sida ah.

Markay indhaha isku qabsatay bay maskaxdeedu isla hadalkii laba jibbaartay. “Aah, dhib badanaa! Saan maan ku joogi karaa? Ilaahayoow sideen wax yeelaa? Iskoolkaanaaba iigu daran. Wax maan barashow ka gaaraa, anigaba waa dhibaataysanahaye! Macallinkaasaanba nacay! Khabiid waaye. Xisaabtiis ma la fahmi karo. Maxay nooga baddaleen macallinkeennii fiicnaay? Sabti imtixaan waaye kuma lohoo. Sabti maahine maantana keena. Imtixaan imtixaan waaba la iiga daran yahee. Iskoolkaan mar lee ma la xiroo. Waa ka neebsalahaa. Laakiin qof minankaan joogto maa neebsaheesa. Dhib maa dhib kaaga roon? An waa yaabay! Dadkaan qaf uula hadasho maa la waayey, oo runta u sheegto. Maxaa la ii khasbaa? Ma rabi. Ma rabi. Ma rabi. Khasab miyaa? Cawo ma rabi, maalin ma rabi! Waalid-waalidaa la idinka badiyey. Ammaan lee i siiya. Waalid oo ilmihiisa xaasad u eh maa la soo arkay? Haddii iga naxaysiin wax dhibkeyga eh ma igu khasbi leheen. Qaftii aniga rabo ma ii diidi leheen. Sidiin rabo lee ii yeeli leheedeen. Ah! Nasiib badanaa qaf xor eh, Sahra Yuusuf camal! Axmed saacaddaan intees joogaa? Xafiiskii aas fadhiyaa. Ah! Maxaan u soo mari waayey? Waa u sheegaa cawada, wixiis rabo ha dhaho. Dhibkaan ma ku jiri karo. Maya. Maya. Ma u sheegi karo. Ceeb waaye. Mashkilad kalaa imaaheeyso. Lacalla haddii…”

Waxaa ka kala goysay shanqar iridka ka soo yeertay. Waxay dareentay qof saan culus oo u soo galay. Indhahase uma kala furine way ismoogaysiisay. Aad bay u necbayd in cidi u soo gasho. Waxay la ahayd culays ka daran kii ay hore u dareemeysey.

“Maana-Faay! Maxaa ku daaray Maana?”

Way garatey. Waa codkii macaanaa ee hooyadeed. Weli indhaha ma kala furin, farna ma dhaqaajin. Intay hooyo ku soo booddo oo dhexda isaga duubto labada dhaban kama dhunkan, sidii caadada u ahaan jirtay, markii ay dugsiga ka timaaddo. Maana Maanadeedii ma aha. Habartii oo qalbi jabsan, xaaladdeedana qaddarinaysa, ayaa intay ku soo dhawaatay, codkiina u sii dabcisay, oraahdii hore u raacisay, “Joogso-hee gebertey dharka iska beddel muggoo aa khadayside. Khadadii waa kaa khaboobooheey saaye.”

“Khada-khadadiina ma rabiye ammaan aan niiga helo,” ayay si kulul ula soo boodday markii hooyadeed hadalkii ku celcelisay. Markay tiri ka dib bay la soo xumaatoy oraahdaas aan asluubta lahayn ee iskeed uga soo fakatay, kamase toobad keenin.

Aay-Caddeey intay cabbaar iyadoo amankaag afka sacabka ku haysa ku dhaygagtay ayay dib uga soo laabatay, iyadoo cagaha jiidaysa, sidii abbaanduule goob dagaal ku soo guul darraystay.

Waa adduun! Cimrigaa dheeraadaa geel dhalaayana waa ku tusaa! Ma Maana-Faay baa qofta sidaani u dambaysey? Aaway baarrinnimadii iyo dhega nugaylkii? Aaway qosolkii iyo qalbi furnaantii? Aaway firfircoonidii iyo sheekadii macaanayd? Aaway xishoodkii iyo xushmad ilaalintii? Aaway dabeecaddii dhan walba dahabka ka ahayd ee ay Xamar Weynoo dhan caanka uga noqotay, habartii gabari ka qalloocataana ku hal qabsan jirtay, Haddiin nasiib leeyahay Maana-Faay camalaan dhali lahaay?

Aay-Caddeey wax ku cusub ma ahayn gabadheedu qadadii ay maalintaas ku diidday iyo xushmad darradii ay ugu jawaabtay. Horay buu yaabkii uga dhammaaday. Beryahaan oo dhan bay kala kulmaysay waxaas iyo wax ka daran. Xanaaqu sankuu ka saarsaaran yahay. Eray kasta oo qof qoyska ka mid ahi ku yiraahdo way dhibsanaysaa, hadduu xun yahay iyo hadduu sanyahayba wuxuu la yeelanayaa dhadhan kharaar, markaasay ama ka xanaaqaysaa ama xargo adag isku celinaysaa, uurkana ka gubanaysaa. Xataa sheekada caadiga ah ee xubnaha qoysku ku sheekaysanayaan, hadday goob joog u tahay way dhibsanaysaa, waxay la noqonaysaa qaw qaw aan dhadhan lahayn. Markaasay uurka iska oranaysaa, Yaa iga aamusiya. Marmarna intay ka kacday qol cidla ah isku xiraysaa, ee ku fekereysaa.

Cunto u dhadhanta goor ugu dambeysay garan mayso. Waqtiga cuntadu marka uu soo dhawaado way ka naxdaa. Markii hooyadeed ku khasabto ayay korka ka taataabataa. Marna way ka dhuumataa, si aan loogu khasbin. Waa taas baaba’day ee dharkeedii ka yaraatay. Away bilicdeedii indhuhu kala boobi jireen, rag badan oo u soo baratamayna ku hungoobeen? Waa taas il go’dee abaarsatay, sidii ubax gu’ barwaaqo koriyey, ka dibse dabayl xagaa dharbaaxooyin naxariis la’aaneed ku dhufatay!

Waa kaaf iyo kala dheeri Maana-Faaydaan madoobaatay ee murugo awgeed maryihii iska beddeli wayday, iyo tii shan bilood ka hor meeshii ay soo gashaba muusikada farxaddu u yeeri jirtey, dunidoo dhanna quruxda iyo qosolka ka buuxin jirtay?

 

— 2 —

Bal isu fiiri saaka iyo subaxdii iyadoo sida dheemanta u hillaacaysa ay taagnayd Shaneema Xamar horteeda. Subaxdaasi taariikhda Maana-Faay meel weyn bay ka gashay. Intay ifka saaran tahayna maskaxdeeda ka go’i mayso.

Markay in yar joogtaba way ku soo dhacdaa. Waxaa hor yimaada muuqaalkeedii il qabadka lahaa ee marba gaari isu taagayey, iyana ka sii jeesanaysey. Waxay qabtey dharkii dugsiga, buugaagtiina gacantay ku haysatay. Waxay sugaysey tagsi dugsigeedii u sii dhaweeya. Tagsigii waa ku soo daahay. Iyadoo weli sugaysa, ayay gadaasheeda ka maqashay cod aan ku cusbayn una caddayn oo ku soo qaylinaya, “Maana-Faay! Alla waa iyadii!”

Dib bay u jalleecday. isla markiina ku orodday markay aqootay, “Weey Sahra, ii warran abbaaye!”

Waa la isku dhagay, dhabannada la iska dhunkaday.

“Naa ii warran intee ka baxday beryahaan?”

“Allaa! Shimaa isugu keen dambaysey! Hal sano camal waa dhan tahay, haye! Haddii shakho la helo, dad ma la soo salaamaayo, maahoo Sahra?”

“Qof xun baad noqotay Maana. Maxaad iigu imaanwayday, waad ogtahay anigaa guri firaaqa ah keligay daggene?”

“Cawadaan kuu imaahaa.”

“Waa yahay, caawaynnu si fiican u sheekeysan doonnaa, hadda shaqaan ku ordayaa, adiguna dugsi baad u socotaaye, caawa hal saac baan ku sugayaa, ciddiina igu salaam, yaa macaantey?”

“Haye abbaay. Jaaw hee.”

Sahra Yuusuf ballantaasi waxay ka ahayd afgobaadsi reer magaalnimo. Laakiin Maana-Faay culays weyn bay la lahayd, wayna ka sii fekereysey maalintii oo idil. Yaa u sheega booqashadaasi waxa ay u soo waddo. Yaa ogeysiiya in ay u horseedi doonto inqilaabkii ugu weynaa ee nolosheeda ku dhaca! Yaa uga diga in ay noqon doonto albaab ay ka gasho tijaabadii ugu khatarsanayd ee soo marta: tijaabo kharaar haddana macaan? Xanuun iyo xiise isku dhafan!

 

— 3 —

Maana-Faay ma ahayn gabdhaha habeenkii raysta. In kastoo aan loo ilaalin jirin sidii walaasheed Iisha, haddana dabeecaddeeduba ma ahayn gabdhaha bixbixidda jecel. Aabbaheed Xaaji Muumin, kama shallaayin makhabiyanimadii uu ka daayey iyo waxbarashadii uu u oggolaaday.

Wuxuu ku waana qaatay makhabiyannimadii lagu khasaaray ee gabadhii ilmihiisa u weynayd, Iisha. Waxbarasho iyo mustaqbalba Iisha way seegtay. Dhawrsanaantii gabarnimo ee aawadeed guriga loogu xabbisayna waxay noqotay biyo col loo dhaanshay.

Sagaal iyo toban sano ayay ahayd makhabiyo guriga lagu ilaaliyo. Waxay ahayd gabar aad u qurux badan aadna loo jecel yahay. Xaafadda oo dhan waxaa looga sheekaysan jiray quruxdeeda, caqligeeda, dhawrsanaanteeda iyo miyirkeeda. Aabbaheed iyo hooyadeedba waxay u hayeen kalgacal xad dhaaf ah, wayna ku faani jireen. Dadku way ku cawryi jireen, uguna hambalyayn jireen. Lexejeclada iyo han weynida saa’idka ah ee loo qabay, ayaa keentay ilaalinta dheeraadka ah.

Iisha hal mar uun bay xargo goosatay, dib dambena gacan looguma dhigin. Jartii ay ku fakatay waxaa isla abaabulay naag fataalad ah iyo nin shabeel naagood ah oo doonayey in uu dhawr habeen ku moodo. Dhawrkii habeen markay u dhammaadeen ayuu mid cusub ka raadsaday, iyadiina ku yiri Jaaw Amiiko, ka bul dheh, cagta saar waddada!

Suuqeeday hore u sii gashay. Waxay isu qaadatay sidii qof xabsi ka soo baxay, ee macaanka xorriyadda la dhadhansiiyey. Diyaar uma ahayn in ay xabsigii dib ugu laabato. Xornimo raadis ka sokow, waxaa sii baydadinayay, baqdin ay gurigooda ka qabtay marba hadday danbiga intaas la’eg gashay. Saaxiibbadii cusbaa ee ay dhowrkii beri ku baratay ayay baasheeda ka raacday. Liillalow baa lagu soo dhaweeyey. Abaadirow soo aruuri inanta! Mindhaa sooma aruuriyo!

Maanta qof kastoo qoyska ka mid ah magaca Iisha marka uu dhegtiisa ama maskaxdiisa ku soo dhacdo, waa ku lablaboodaa, korkana ka jiriiricoodaa. Xaaji Muumin haddii cunto hor taal wuu ka sii jeestaa, iskana joojiyaa. Hooyadeed Aay-Caddeyna waaba muraara dillaacdaa. Sheeko socota markii gabdho lagu soo hadal qaado Xaaji Muumin wuu naxaa, warkana xirtaa ama baddelaa. Wuxuu ka baqaa haddii la sii wad wado in marka dambe la yiraahdo, Ka warran gabadhaadii suuqa gashay? Ama qof meel xun ku soo arkay intuu soo gocdo warbixin wadna qabad ah wajiga uga fiiqo, inkastoo uu dhawr sano ka hor tacsideedii dhigay magaceedana warqadda qoyska ka tiray, haddana sidaas ugama harin. Ilaa maanta dad baa uga tacsiyeeya, ee boogtii ka danqiya.

Iisha waalidkeed waxay ku noqotay boog ceebeed oo aan ka harayn inta ay nool yihiin. Waa ciqaabkii aad ku mutaysateen dambigii aad iyada ka gasheen, markii aad ka xaaraantinimayseen waxbarashadii iyo dhex galkii bulshada, ayay Xaajiga ku yiraahdaan saaxiibbadii qaarkood. Taas ha garaysto ama yuu garaysan, kollaybase mid buu ogaaday. Wuxuu hubsaday qof aan iyadu is ilaalin in aan cidina ilaalin karin. Markaas ayuu jeexjeexay shukooyinkii uu ugu tala galay gabdhihiisa yaryar, Leyla iyo Maana-Faay: intuu dhar dugsi iyo buugaag u soo gaday buu labadaba waxbarasho u diray.

 

— 4 —

Leyla saddex sano ayay Maana-Faay ka weyn tahay. Dugsigana waxay uga horraysey laba sano. Markii Maana dugsiga dhexe ka baxday, bay Leylana dugsiga kalkaaliyayaasha caafimaadka ka baxday, kaaliye takhtarna shaqo ku bilowday. Waxay is jeclaadeen Ciise Dheere oo afar sano ka weyn, ahna farsama-yaqaan ka shaqeeya Mashruuca Sahminta Hawada.

Dhibaato aan la soo koobi karin ayay ka soo mareen jacaylkoodaas iyo sidii ay qoyska gabadha uga heli lahaayeen oggolaansho guur. Markay ka waayeen, bay isla dhuunteen, ka dibse waalidkii way maslexeen, waana la heshiiyey, gargalyo fara badan ka dib.

Xaaji Muumin inkastoo uu ka mid yahay ganacsatada yaryar, haddana wuxuu uga duwan yahay fikradda khaladka ah ee qaarkood ka qabaan waxbarashada iyo shaqada dawladda. Waxaa kale oo uu odayaasha da’diisa ah ee ay isku xaafadda yihiin uga duwan yahay sida ay u arkaan barbaarinta ubadka. Aragtiyaha qaarkood wuu la wadaagaa. Wuxuuse uga yare horreeyaa fahamka isbaddelka casriga iyo dabeecadda dhallinyarada.

Saaxiibbadiisa ay habeenkii gidaarrada xaafadda ku sheekaystaan, in badan ayay ku dhaliilaan gabdhihiisa uu dugsiga u dirtay ee dariiqyada shuko la’aanta ku mara. Hase yeeshee waxaa xaalkii is baddelay markii la arkay waddada Leyla martay, Maanana ku socoto. Waalidiin badani waxay ka masayreen wax tarka ay Leyla nafteeda, reerkeeda iyo waalidkeedba u yeelatay iyo magaca ay bulshada ku dhex yeelatay. Xaafadda oo dhan markii qof madaxu xanuunoba waxaa la yiraahdaa, Leyla ha la jeriyo. Dad badan ayaa markaas Xaaji Muumin ku dayday. Intay gabdhahoodii shukooyinkii ka xooreen bay dugsiyada u dirsadeen.

 

— 5 —

Maana-Faay qorraxdoo aan dhicin bay is dhisid bilowday. Waxay isu diyaarisay sidii qof xaflad laga wacay. Waxay isla ahayd sidii qof arrin muhiim ah fulinaysa. Muraayad weyn bay is hor taagtay. Kor iyo hoos bay iska eegtay. Keligeed baa is cajabisay. Ma mooga in ay qurux badan tahay. Dad fara badan bay ka maqashay. Markay maqashaba hoos ahaan bay isugu bogtaa. Wax kastoo ay biddo in ay qurux u kordhinayaan way ku dadaashaa. Iyadoo muraayadda eegaysa, ayay marba dhan u dhaqaaqday. Intay Aboosto uurka iska tiri bay saacadda eegtay. Toddobadii oo rubuc dhimman bay ka akhriday. “Alla waan daahay,” bay hoos u tiri. Boorsadeedii bay armaajada dusheeda ka daftay. Jidka ay sii mari doontaa ku soo dhacay. Cabsi aan weyneyn baa qac ku tiri. Waxa ay ka cabsoonayso ma garanayso, laakiin way cabsanaysaa. Siddeed iyo tobankii sano ee ay ifka joogtay, weli waqti habeen ah xuduudka Xamar Weyne kama bixin, iyadoon dad la socon. Guriga Sahra Yuusuf qudhiisu Xamar Weyne kama dheera. Waa dhammaadka waddada Rooma, saraha duugga ah ee Xamar Jajab ka bilaabato.

Intay dariishad daaradda u jeedda furtay bay hooyadeed halkii ay ku ogayd hanqaloocsatay. Weli way fadhidaa. Jikada horteeday hawl ku haysataa. Waxay jeclaysatay in ay habartu meesha ka kacdo. Inay gudaha gasho ama bannaanka u baxdee dariska u laabato. Iyadoo u jeedda ma bixi karto. Waxay ku furaysaa su’aalo ayan u babac dhigi karin jawaabtoodana ku dhiirran karin. Intii ay labisanaysey albaabku hoos buu uga xirnaa. Haddii lagu qabto qiil-qiil bay gali lahayd. “Ah! Habartu may kacdo! Markaan looga baahnaynba way iska maqnaataaye! Fiiri weli way iska fadhidaa! Waxa ay suubbinaysaa sow ma dhammaadaan!” Siday marna habarta eegmo ugu xadaysey marna saacadda u fiirinaysey, u hiyi kacaysey, isu hiifeysey, gidaarka u dharbaaxaysey, ayay habartii gudaha alaab ka doonatay. Fursaddii bay ka faa’iideysatay. Halhaleel bay jaranjarta uga dagatay, iyadoo wadnuhu aad u boodboodayo. Markay dhulka tagtay bay cabsideedii laba jibbaarantay. Xataa in ay hareeraha eegto way ku dhici kari wayday. Waxay la ahayd in ay boqollaal indhood gees kasta ka soo eegayso, meesha ay u socotana wayddiinayso. Intay jidiinka buurtay bay saanta hore u boobtay.

Uma baran in ay keligeed habeen baxdo. Beryahanna kaba sii duwan. Waxay ku jirtaa is ilaalin dheeraad ah. Cidduna waxay siisaa fiiro gaar ah. Culayskaasi wuxuu ku soo kordhay ilaa maalintii loo sheegay in lagu daraayo ina adeerkeed Abuukar Aw-Mukhtaar oo sida badan loogu yeero Iikar. Arrintaas markii loo sheegay aad bay u yaabtay. Amakaag bay indhaha la caddaysay, afkana gacanta saartay. Way ka degi wayday in Iikar nin u noqon karo. Sina uguma kala duwanayn isaga iyo walaalkeed Aweysow oo aabbaheed iyo hooyadeed dhaleen. Isku si bay u ciyaari jireen, isma hunguriyayn karaan. Waligeed Iikar nin ahaan ugama xishoon. Inkastoo aan guurkaasi dhadhan iyo xiise u lahayn, haddana wixii waalidkeed ugu taliyo ma diidi karin.

Hooyadeed Aay-Caddey, qudheedu arrintaas raalli kama ahayn; iyada ogeysiin ahaan uun baa loo soo gaarsiiyey, ka dib markay soo go’aansadeen labada oday ee walaalaha ah; iyaduna waxay rabtay in arrinta billowgeedii lagala tashado, tixgelin waynna la siiyo. Aay-Caddey wax badan bay duqeeda kula doodday tixgelin la’aanta noocaas oo kale ah.

Waxay ku eedaysaa in uu talada reerka keligii iska go’aansado. Isagu eeddaas ma garaysna. Aad buu xaaskiisa u qaddariyaa, una xushmeeyaa. Hase yeeshee wuxuu qabaa arrimaha qaarkood go’aan ka-gaariddoodu in ay tahay shaqo aan odayga lala wadaagin, ee uu keligii xaq u leeyahay.

Xaaji Muumin iyo Aw-Mukhtaar maalkii aabbahood uga dhintay ma qaybsan, mana dhaxlan. Saro iyo laba dukaan ayaa ka dhaxeeya. Waxay doonayeen in aan qoysku marna kala bixin. Carruurtiina waa koreen. Sidaa awgeed ayay intay fadhi gaar ah qaateen go’aan ku gaareen in afar carruurtooda ka mid ah is-waydaar la isugu guuriyo, arooskoodana isku mar laga dhigo, wada jirna loogu hawl galo. Iikar Aw-Mukhtaar iyo Maana-Faay Xaaji Muumin oo dhinac ah iyo Aweys Xaaji Muumin iyo Jiija Aw-Mukhtaar oo dhinaca kale ah. Hadda alaabtii waa la gaday, kharash aad u badan baa la galay, arooskiina waxaa lala sugayaa xiritaanka dugsiga Maana-Faay. Warkii waa la gudbiyey. Deriska iyo ehelada oo idil waa gaaray.

2 thoughts on “Xubinta 1aad

  1. Runtii waxaan akhriyay qaybta 1aad ee sheekada waana i cajabisay. Rabbi haka abaal mariyo qoraagii sheekadan alifay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *